Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 260 February 3, 2003

Madaxweynaha Somaliland Iyo Xuska Sannad-Guuradii 9aad Ee Aasaaska Ciidanka Qaranka

Dafcaddii 9aad Ee Ka Qallin-Jebisa Machadka Luqadaha AFLAX Oo Shahaadooyin La Gudoonsiiyay

Allay-badday: Dhaqdhaqaaqa Cusub Iyo Mushkiladaha Dhul-Boobka 
Warbixin - Weriyaha Haatuf ee Degmada Gabiley

Iskuulka Dhismihiisa La Horjoogsaday Iyo Cabashada Degaanka Masallaha

Wararka Dibadda

Xukuumadda Maraykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshihiisa Uu Meesha Kaga Saarayo Saddam Xuseen

Faaqidaadda Dunida

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga

Jacaylkii Qiimihiisa Qurba Joogu Dhantaalay (2)

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Beerta Sharci Baanu U Haysanaa

WAADIGA CIYAARAHA

Barcelona Oo Ku Sii Socota Wadadii Guuldarooyinka

Kooxda Argentina oo ciyaar saaxiibtinimo kaga adkaatay Honduras

Yaabka Dunida


Madaxweynaha Somaliland Iyo Xuska Sannad-Guuradii 9aad Ee Aasaaska Ciidanka Qaranka

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu maamuusayay xuska maalinta aasaaska ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay xarunta Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland. Munaasibaddaa oo lagu xusayay sannad-guuradii 9aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegnayd shalay oo ay taariikhdu ahayd 2-2-2003, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha J/Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo marti-sharaf kale.

Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxa uu Madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka. Koox fannaaniin ah, ayaa munaasibadaa ku soobandhigay Riwaayad magaceeda la yidhaahdo "Dal Barwaaqo ah iyo Dad Baahan" oo ay ugu tala-galeen xafladda xuska munaasibadda aasaaska Ciidanka Qaranka, kadibna waxa warbixin kooban oo la xidhiidha sida lagu aasaasay Ciidanka Qaranka Somaliland, halkaas ka akhriyay Taliyaha Ciidanka Qaranka, Gen. C/Samad X. C/laahi, wuxuu u mahadnaqay masuuliyiinta iyo marti sharafta ka qayb-galay xafladda, wuxuuna sheegay in ujeedadii Ciidanka Qaranka loo aasaasay tahay difaaca, ilaalinta iyo xoojinta Qaranka.

Taliyuhu wuxuu intaa ku daray in markii ugu horeysay 1994-kii, guutadii ugu horeysay ee Ciidanka Qaranka laysu keenay, iyadoo 500 (Shan boqol) oo askari laga soo ururiyay dhammaan gobollada dalka Somaliland, laakiin ay hakisay mushkilad iyo rabshado wakhtigaa dhacay. Hase yeeshee, wuxuu sheegay Gen. C/Samad, Madaxdii Ciidanka ee wakhtigaa oo ay ka mid ahaayeen Xasan Cali Abokor, Cismaan Cawad, Ismaaciil Shaqale iyo Xasan Yoonis, in ay ahaayeen kuwii cagaha u taagay Taliska Ciidanka Qaranka ee maanta jira. 

Taliyuhu wuxuu intaa ku daray in ay Wasaarad ahaan dhammaystirayaan Malayshiyaadka aan weli la qaramayn, isla markaana ay sameeyeen guutooyin xoogan oo wareega xuduudaha fog ee Somaliland ee ay ka soo xad-gudbaan Maleeshiyada Majeerteeniya, iyadoo guutooyinkaa ay garab siinayaan guutooyinka fadhiya aaggaga ku dhowi.

Taliyuhu, wuxuu sheegay in ay qorshayashooda ka mid tahay sidii kor loogu qaadi lahaa awooda iyo tayada Ciidanka, dhinacyada tacliinta, ciyaaraha iyo tababarada.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Cali (Cawar), ayaa isaguna sheegay in Ciidanka Qaranku maanta gobol walba oo Somaliland ka mid ah joogo oo ay jiraan fadhiisimo iyo goobo tababaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin oo xidhitaankii xafladdaa ereyo kooban ka jeediyay, wuxuu sheegay in ay dawladdu ahmiyadda koowaad siinayso Ciidanka Qaranka, wuxuuna Madaxweynuhu hambalyo ku saabsan munaasibaddaa u diray Ciidanka Qaranka iyo xaasaskooda.

Madaxweyne Rayaale, wuxuu sheegay in ninka Ciidanka ahi yahay ka ugu qiimaha badan meelkasta oo uu joogo, isla markaana loo baahan yahay in la ogaado duruufaha iyo baahida ay ku sugan yihiin si wax loogu qabto.

Top


Dafcaddii 9aad Ee Ka Qallin-Jebisa Machadka Luqadaha AFLAX Oo Shahaadooyin La Gudoonsiiyay

Hargeysa (Haatuf): 60 arday oo bartay luuqadda Ingiriisida ayaa shalay ka qallin-jebiyey maxadka barashada luqadaha ee AFLAX oo ka mid ah Dugsiyada gaarka ah ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay ardaydaasi yihiin dafcaddii 9aad ee barashada Ingiriisida ee maxadkaa ka qallin-jebisa, waxaana xaflad aad loo soo agaasimay oo loogu talo galay qallinjebinta ardaydaa lagu qabtay hudheelka Ambassador, munaasibadaas oo ardayda qallin-jebisay lagu gudoonsiiyey shahaadooyin.

Xafladda qallin-jebinta ah waxa ka soo qayb galay maamulka, macalimiinta, ardayda iyo qaar ka tirsan waalidiinta maxadka AFLAX iyo sidoo kalena waxa ka soo qayb galay martisharaf kale kala duduwan, waxaana ugu horayn halkaa hadal ka jeediyey maamulaha maxadka AFLAX, Axmed Ismaaciil Maxamed oo ka waramay sooyaalkii taariikheed ee maxadkaa iyo geedisocodkiisii waxbarasho mudadii uu jiray, isaga oo sheegay inay arday tiro badani ka aflaxeen maxadkaa mudadii uu jiray, isla markaana waxa uu maamuluhu sheegay inay waqtigan xaadirka ah maxadkaa wax ka bartaan arday ay tiradoodu gaadhayso kun iyo dhawr boqol oo arday, iyadoo maxadkaa laga barto luqadda Ingiriisida iyo maadooyin kale.

Waxa kale oo isna munaasibadaa ka hadlay C/casiis Samaale oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE, kana mid ahaa martisharaftii xafladaa ka soo qayb gashay, wuxuuna tilmaamo ka bixiyey faa’iidooyinka ay Waxbarashadu leedahay, isla markaana waxa uu C/casiis farta ku fiiqay faraqa u dhexeeya duruufihii ay wax ku soo barteen da’ihii ka horeeyey iyo da’da ay ka mid yihiin ardayda qallin-jebisay, isaga oo sheegay inay da’da waqtigani haystaan fursad aad uga sahlan marka loo eego xiliyadii hore.

Ardayda ayaa iyaguna dhinacooda halkaa ku soo bandhigay barnaamij maaweelo ah oo ay ku cabirayaan faraqa u dhexeeya ardayga dhinaca waxbarashada ku dedaala iyo ardayga ka saaqida waxbarashada ee ka faa’iidaysan waaya fursadihiisa waxbarasho.

Ka dib markii ay weedhihii xafladda loogu talo galay dhamaadeen waxa ardayda qallin-jebisay shahaadooyin gudoonsiiyey mudane Maxamuud Axmed Cali oo ah mudane ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

Maxadka AFLAX oo ka mid ah Dugsiyada gaarka ah ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan kuwo ugu caansan waxa uu furnaa muddo badan, waxaana mudadii uu furnaa ka faa’iidaystay dad badan oo ka mid ah da’yarta reer Somaliland, iyadoo ay maxadkaa gacanta ku hayaan aqoonyahanno xirfad iyo aqoon wanaagsan u leh waxa ay dhigayaan.

Top


Allay-badday: Dhaqdhaqaaqa Cusub Iyo Mushkiladaha Dhul-Boobka 
Warbixin - Weriyaha Haatuf ee Degmada Gabiley

Allaybadday (Haatuf): Muran iyo khilaafaad dhinaca dhulka ah ayaa mudooyinkan dambe si weyn u hadheeyey degmada Allaybadday oo ka tirsan gobolka Hargeysa, gaar ahaan degmooyinka galbeedku, iyadoo ay waqtigan xaadirka ah magaalada Allaybadday ka socdaan dhismayaal cusubi.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan oo horaantii toddobaadkan booqday magaalada Allaybadday ayaa warbixin la xidhiidha muranka dhinaca dhulka ee magaalada ka aloosan iyo guud ahaan xaaladaha Allaybadday nooga soo diray, waana tan warbixintii:

"Magaalada Allaybadday oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itooobiya waxa hadda ka socda dhaqdhaqaaq xoog leh oo dhinaca dhismaha magaalada ah, hase yeeshee waxa jira muran iyo khilaaf xoog leh oo dhinaca dhulka ah oo magaalada hadheeyey.

Inkasta oo uu wasiirka daakhiligu dhowaan soo saaray wareegto uu ku xayirayo bixinta dhulka, hadana waxaad moodaa inaanay taasi waxba ka tarin xaaladda dhinaca dhulka ee Allaybadday, waxaana magaalada koone walba ka socda dhismayaal cusub oo hadda binadooda la bilaabay ama la bilaabayo, dhismayaasha oo ay habeen iyo maalin hawshoodu socoto, waxaase taa barbar socda dhibaato kale oo ah muran iyo khilaaf joogta ah oo dhinaca dhulka ah.

Qaar ka mid ah dadka reer Allaybadday oo aan la sheekaystay ayaa ii sheegay inay muddooyinkan dambe magaalada Allaybadday soo degeen dad badan oo ganacsato ahi, kuwaas oo doonaya inay magaalada ku yeeshaa hawlo ganacsi.

Magaalada Allaybadday inkasta oo ay xiliyadii toddobaataneeyadii ahayd xarun ganacsi oo marin u ah jaadka Itoobiya laga keeno iyo weliba iyadoo ahayd saylad weyn oo ganacsiga xoolaha ah, hadana wixii mudadaa ka dambeeyey xaaladeeda ganacsi waxay ahayd mid wayd ah, laakiin markii ay dhowaan dawladda Itoobiya xidhay xadka ay la leedahay Somaliland waxa magaalada Allaybadday ka bilaabmay dhaqdhaqaaq hor leh oo ganacsi, iyadoo ay wixii ka horeeyey xidhista xadka magaalada Hartasheekh ay ahayd marinka ugu weyn ee uu ka gudbo ganacsiga u kala socda Somaliland iyo Itoobiya.

Dad badan baa werwer ka qaba in dadka magaalada dhulka ku leh ee hore u deganaa iyaga oo maqan dhulkooda cid laga faasaxo, waxayna dad aan la sheekaystay sheegeen inay dhibaatada dhulboobka qayb shilis ku leeyihiin madaxda maamulku, taas oo ay dadku farta iigu fiiqeen dhismayaal cusub oo laga dhex-bineeyey dhismayaal hore dhexdooda, kuwaas oo loo jiiday dhinaca wadada, taasna waxay dadku sheegeen in dadka degay ay sharci ka haystaan nimanka maamulka ahi. Iyadoo badiba jidadka magaalada dhexdeeda.

Mid ka mid ah gabareega (ilaalada) daanta Itoobiya ee magaalada Allaybadday oo aan kula kulmay togga xuduudka u ah labada dhinac (Somaliland & Itoobiya) ayaa farta ku fiiqay dhismataal sandaqado u badan oo laga dhisay dhul hore u ahaan jiray soohdinta labada dhinac u dhaxaysa, wuxuuna ninkaasi ii sheegay in loo baahan yahay in dhismayaashaa cusub dib looga raro meesha.
Nin xamaam lagu maydho ku leh dhismayaashan cusub ee laga dhisay dooxa u dhexeeya labada dhinac ayaa I tusay ruqsad uu ka haysto maamulka dawladda hoose ee Allaybadday, waxaadna arkaysaa dad badan oo had iyo goor hortuban xafiiska dawladda hoose, saldhigga booliska iyo maxkamadda, kuwaas oo u socda dacwado dhinaca dhulka. Laakiin maxkamadda Allaybadday waxa la furay bishii tobnaad ee sannadkii 2002.

Gudoomiyaha maxkamadda Allaybadday, C/raxmaan Aw-Xasan Bile oo aan wax ka waydiiyey dhibaatada iyo dacwadaha dhinaca dhulka ayaa ii sheegay inay dacwadaha horyimaadaa u badan yihiin. "Magaaladuna jeel wax lagu xidho malaha"ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamaddu, sidoo kale waxa muuqata baahi ah inay magaalada xafiisyo ka furtaan wasaarado badan, sida wasaaradda maaliyadda, beeraha, xanaanada xoolaha, horumarinta reer miyiga iyo qaar kale.

Dadka waqtigan xaadirka ah soo culaysiyey magaalada Allaybadday waxay inta badan isugu jiraan dad ka soo guuray dhinaca Hartasheekha iyo dad ka soo noqday qaxootiyada bariga Itoobiya, waxayna dadkaasi sababeen inuu cirka isku shareero qiimaha dhulka lagu kala iibsadaa, sidaa darteedna waxa dhacday inay dadku dhulka ku dareereen oo ay ood iyo dayr miidhan ku wareejiyaan. Tusaale ahaan bogcadda halka bakhaar noqonaysa waxa lagu kala iibsadaa $2500-U.S.doolar, laakiin culayska dhibaatada dhulku wuxuu sababay in la magacaabo guddi gaar ah oo ka hawl-gala wax ka qabashada mushkiladaha dhinaca dhulka. Laakiin maayarka Allaybadday oo ay ahayd inaan wax ka waydiiyo dhibaatada dhinaca dhulka ee ka taagan magaaladiisa, nasiib wanaag markii aan magaalada booqday ma joogin, waxaana la ii sheegay inuu muddo toddobaad ka badan ku maqnaa dhinaca Hargeysa.

Magaalada Allaybadday oo ay ku badnaayeen dhismayaasha Dergadaha (Carshaan) loo yaqaan ayey dadkii dhismayaashaa lihi inta badan ka kireeyeen dad ganacsato ah, iyadoo ay dadka ganacsatada ahi dhismahaa dhallan-rogayaan oo ay ka dhigayaan dhisme dhagax ah, taasina waxay keentay in dad badan oo markii hore ugu jiray dergadaha debedda looga daadiyo, ka dib markii kiradiisa loo helay lacag badan.

Dhinaca kalena suuq cusub oo bacadlayaal ah ayaa toddobaadkan dhiskooda farta laga qaaday, dhismahaas oo ka kooban 24 meharadood waxa loogu talo galay bacadlayaasha reer Allaybadday, looona bixiyey Fadxul Khayr, waxayna ganacsatada bacadlayaashu ii sheegeen inay iyagu iska bixiyeen kharashka dhiska, laakiin ay dawladda hoose ku caawisay dhulka, iyaga oo intaa ku daray inay dhowaan ku kordhin doonaan 38 maqsin oo kale oo iyaguna ah bacadlayaal".

Top


Iskuulka Dhismihiisa La Horjoogsaday Iyo Cabashada Degaanka Masallaha

Hargeysa (Haatuf): "Xaafadda Masalaha waxa ku nool inka badan 300 oo arday, laakiin aan wax iskuulo haysan"sidaa waxa yidhi gudoomiyaha xaafadda Masalaha ee duleedka madaarka Hargeysa.

Dadka ku dhaqan xaafadda Masalaha waxay si ba’an uga cawdeen iskuul la doonayey in laga dhiso xaafaddaa, laakiin dhismihiisa la horjoogsaday, iyadoo la sheegay inay bogcaddaa sheegteen dad gaar ahi, taasina ay keentay buuq iyo iska hor-imaad gacan ka hadal ku dhowaaday.

Kulan saxaafadeed ay hogaamiyayaasha xaafadaasi jimcihii doraad tii ka horaysay ku qabteen hudheel ku yaal xaafadooda ayey aad ugaga hadleen iskuulkaa, iyaga oo dalbaday in wax laga qabto dadka qabsaday dhismihii iskuulka, isla markaana waxay si ba’an farta ugu fiiqeen duruufta iskuulo la’aanta ee haysata.

"Ilaa 1978-kii waxaanu u halgamaynay sidii aanu iskuulo u heli lahayn, laakiin maanta markii aanu helay ayaa nalagu qabsaday, markaa waxaanu leenahay waa in dhul-boobka wax laga qabtaa"ayey yidhaahdeen, waxayna arintaa ku eedeeyeen maamulka dawladda hoose iyo weliba cidda dhulkaa sheegatay oo ay sheegeen inay qaarkood yihiin niman madax-dhaqameedyo ah.

"Caruurta xaafadda Masaluhu waxay doonayaan iskuulo iyo biyo, laakiin dantii guud waxa laga horaysiinayaa baloodh la boobo, ninkii jagada iskuulka bixiyeyna xabsiga ayaa loo taxaabay" sidaa waxa yidhi, Cabdi Aw-Maxamuud oo ka mid ah odayaasha xaafadda Masalaha. Sidoo kale waxa isna madashaa ka hadlay Maxamed Baaruud , wuxuuna yidhi "Waxa wax boobaya dad masuuliyiin ah, waxaanuna dawladda ka codsanaynaa inay arintaa wax ka qabtaan."

Sidaa ay sheegeen odayaasha xaafadda Malaha ninka bixiyey bogcadda la doonayey in laga dhiso iskuulka waxa magaciisa la yidhaahdaa Maxamed C/laahi Fadal, wuxuuna hadda ku xidhan yahay xabsiga dhexe, iyaga oo sheegay inay aad uga xun yihiin xadhigiisa.

Xaafadda Masalaha inkasta oo ay hadda ku noolyihiin dad badani, hadana malaha iskuulo, xarun caafimaad iyo goobo kale oo adeeg toona, waxayna dadka xaafadaasi aad uga cawdeen arintaa. Ta kale waxay dadka xaafadaasi aad uga digeen inay dad gaar ahi sheegtaan ama hungureeyaan dhulka iskuulka la siiyey, iyaga oo markii ay cidda dhulka iskuulka haysata ka hadlayeen farta ku fiiqay niman hogaamiye-dhaqameedyo ah oo aanay magacyadooda xusin iyo weliba madaxda dawladda hoose oo ay ku eedaynayaan inay leeyihiin masuuliyadda bixinta dhulka iskuulka.

Sida ay sheegeen odayaasha xaafadaasi hayad samafal ah ayaa doonaysa inay dhismaha iskuulkaa ka caawiso dadka xaafaddaa, laakiin markii ay sheekada dhismuhu soo if-baxday ayey xiisaddu ka aloosantay, iyadoo uu muranku hadda u dhexeeyo dadka xaafadda ku dhaqan iyo cidda dhulkaa sheeganaysa. Run ahaantiina xaafadda Masalaha oo ku taal koone ka durugsan magaalo-weynta, isla markaana ay waqtigan xaadirka ah ku dhaqan yihiin dad fara badani waxa haysata dhibaato iskuulo la’aan ah, waxayna taasi sababtay inay inta badan caruurta xaafaddaasi iskuulo la’aan ku dhacdo, ka dib markii ay awoodi waayeen inay u socdaalaan iskuulada magaalada ee ku yaal meelaha xaafadooda ka dururgsan.

Top


Wararka Dibadda 

Baadhitaanka Dayax-gacmeedkii Burburay

Texas (W. Wararka): Waxa socda baadhitaan ballaadhan oo ku saabsan sababihii keenay burburkii ku dhacay Dayax-gacmeedkii Colombia ee uu Maraykanku lahaa, kaas oo maalintii doraad ku dhacay gobolka Texas.

Baadhitaankan oo ay wado hay’adda Maraykanka u qaabilsan hawada sare ee NASA, waxa uu Afhayeen u hadlay sheegay in ay baadhitaankoodan la kaashanayaan Khubarada ku xeesha dheer baadhitaanka shilalka Diyaaradaha. Ciidamada Ammaanka ee Maraykanka, ayaa iyaguna sheegay in ay heleen burburka dayax-gacmeedkaasi, kuwaas oo ay ku jiraan walxo sun ah oo dhibaatooyin u geystay dad ku nool gobolka Texas, kadib markiia y taabteen walxahaasi, inkasta oo uu burburka Dayax-gacmeedkani ku soo beegmay xilli ay Dawladda Maraykanku isku diyaarinayso weerar ay ku qaado Ciraaq, haddana masuuliyiinta Maraykanku, waxa ay meesha ka saareen in burburka ku dhacay Dayax-gacmeedkani uu ka dhashay fal argagixiso.

Arrintani, waxa ay keentay in Wakaaladda NASA ay hakiso duulimaadyadii hawada sare, inta laga gun gaadhayo dhacdadan.

Dayax-gacmeedkan oo burburay markii uu ku dhawaaday saldhigii uu fadhiisan lahaa, waxa ku dhintay 7 Cir-bixiyeen oo saarnaa. Dayax-gacmeedkan Colombia ee burburay, waxa lagu tiriyaa dayax-gacmeedada ugu qadiimsan ee Maraykanka, iyadoo markii ugu horeysay hawada loo diray sannadkii 1981-kii. Wakaaladda NASA, ayaana looga yaqaanaa magaca "Orbiter Vehicle 102" ama Markabka Wareega ee 102. 

Dayax-gacmeedkan oo aad u baaxad weyn, waxa uu culayskiisu gaadhayay 158,289 ton, halka uu dhererkiisu ka ahaa 37.2 mitir, iyadoo loogu talo-galay inuu qaado 8 qof. Intii u dhaxaysay 1981 - 1982, waxa hawada sare loo diray 5 jeer. Sannadkii 1999-kii, dayax-gacmeedkani, waxa uu soo dhammaystay 26 duulimaad oo uu hawada ugu baxay. Duulimaadkiisan haatan oo ahaa kii ugu dambeeya, waxa uu sababay burburka ku dhacay, taas oo khasaare culus ku ah maamulka Maraykanka. Waxa kale oo ay dhirbaaxo ku tahay Barnaamijka hawada sare ee Maraykanka.

Top


Xukuumadda Maraykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshihiisa Uu Meesha Kaga Saarayo Saddam Xuseen

Washington (W. Wararka) Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday qorsheheeda ku saabsan xaaladda dalka Ciraaq ka dib marka ay xukunka ka tuuraan Sadaam Xuseen, sida uu hindisahoodu yahay.

Sida ay sheegtay haweenayda amaanka kala talisa Madaxweynaha Maraykanka Condolesa Rise oo u waramaysay Wargeyska Al-Ahraam ee ka soo baxa Masar maalintii shalay dawladda Maraykanku waxay ku talo gashay inay muddo gaaban gacanta ku hayso dalka Ciraaq inta laga dhisayo dawlad rayid ah oo dalkaa ka talisa, balse may cadayn goorta iyo sida ay arrintaasi u dhacayso.

Dhinaca kalena waxa ka socda Khaliijka diyaar garawga ciidamada Maraykanka ee ku aadan weerar ay ku qaadaan Ciraaq iyadoo isugu gaysay agagaarka biyaha Khaliijka ciidamo iyo saanad milatari oo fara badan kuwaasoo ay tiradoodu gaadhayso 3000 askari iyo saanad milatari oo dhan lix kun iyo todoba boqol oo gantaalaha iyo hubka kala duwan ah.

Iyadoo ay socdaan digniino laga bixinayo weerar lagu qaado Ciraaq iyo mudaaharaado kala duwan oo ka dhacaya caalamka kuwaasoo dhamaantood lagaga soo horjeedo weerar lagu qaado Ciraaq. 

Dhinaca kalena wararka ka imanaya dalka Qatar ayaa sheegaya in askari maraykan ahi ku dhintay saddex kalena ku dhaawacmeen markii maalintii shalay u shil gaadhi ka dhacay xarunta dalkaas ee Dooxa.

Afartan askari oo ka mid ah ciidamo ay tiradoodu dhantahay 5500 askari oo maraykanka ka jooga dalka Qatar waxa uu shilku ku dhacay iyagoo ka tagay caasimada Dooxa una sii jeeda saldhiga ay ku leeyihiin dalkaasi.

Ilaa hadda ma cada in arrintani ay tahay weerar argagixiso, masuuliyiinta ciidamada maraykanku waxay carabaabeen tuhunka ay arrintaa ka qabaan, laakiin waxa socda baadhitaan rasmiya oo lagu ogaanayo wixii keenay shilkaasi.

Top


Faaqidaadda Dunida

Siciid I. Guraase

Dib-U-Doorashada Ariel Sharon Miyey Sii Murgin Doontaa Xaaladda Bariga Dhexe

Dadweynaha reer Israa’iil ayaa mar kale jagada Ra’iisal wasaaraha u doortay Ariel Sharon doorashadii dhacday 28-kii bishii January ee dhamaatay ka dib markii xisbiga Likud ee uu hogaamiyaha ka yahay Ariel Sharon uu helay aqlabiyad balaadhan dib u doorashada Ariel Sharon waxa ay muujinaysaa sida ay dadka reer Israa’iil ugu qanceen siyaasada uu ku soo hogaaminayay dalkaasi labadii sanadood ee u dambeeyay, balse dhinaca kale waxay quus iyo niyad jab ku tahay dadka reer Falastiin oo mudada uu Ariel Sharon ahaa Ra’iisal wasaaraha ahaa la kulmay cadaadis iyo xasuuq balaadhan. Inkastoo muddadaasi ay Israa’iiliyiinta laftoodu la kulmeen dhirbaaxooyin xoogle ka dib markii ay Falastiiniyiin naftood huryaal ahi qaraxyo iyo weeraro ba’an ka gaysteen gudaha Israa’iil kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac badan u gaystay dadka reer Israa’iil oo aan u baran xagashooyin ku dhaca.

Sidaa darteed waxa ay isweydiintu tahay waa kuma Ariel Sharon kaalintee buuse ka soo qaatay loolanka muddada dheer ka soo dhexeeyay carabta iyo Israa’iil?

Ariel Sharon Modakhay Sharaayar waxa uu ku dhashay tuulada miilaan ee ka tirsan Falastiin balse ay markii dambe Israa’iil u bixisay "Kufaar Milaal" sanadkii1929kii, isaga oo ka dhashay qoys uu asalkoodu ka soo jeedo Poland oo ay ka soo carareen iyagoo ka cabsi qabay ciqaabtii uu Naasigu ku hayay dadka Yuhuuda ah.

Ka dib Ariel Sharon isaga oo 14 jir ah ayuu ku biiray kooxihii yuhuuda ahaa ee dagaalka hoose kula jiray dadka reer Falastiin.

Sanadkii 1948kii markii lagu dhawaaqay Israa’iil Ariel Sharon waxa uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii Maleeshiyooyinkii Reer Israa’iil ee dagaalka la galay Carabta. Isagoo markaa ahaa 20 jir waxbarasho ahaan Ariel Sharon waxa uu bartay culuum kala duwan sida taariikhda, sahamiska, beeraha, qaanuunka, intaasoo uu ku bartay Israa’iil gudaheeda iyo culuumta milatariga oo uu ku qaatay dalalka Faransiiska, iyo Ingiriiska.

Sanadkii 1953kii waxa uu madax ka noqday shifto lagu magacaabi jiray kooxda 101 kuwaasoo dadka Falastiin u gaystay gumaad balaadhan hawlgalada ay fuliyeena waxa ka mid ahaa mid ay ku laayeen 69 qof oo Falastiiniyiin ah ayna ku dumiyeen 41 guri goob kaliya oo la yidhaa qabiya sanadkii 1966kii ayaa Ariel Sharon madax looga dhigay hogaanka tababarada ee ciidanka Israa’iil, ka dib sanadkii 1967kii ayuu noqday Janaraal isagoo taliye ka noqday qaybta Koonfureed ee ciidamada Israa’iil isagoo qayb weyn ka qaatay dagaalkii ay sanadkaa Israa’iil ku jabisay dalalka Carabta ee jaarka la ah iyadoo qabsatay dhul badan oo ka tirsanaa dalalka Carabta sida Siinaay, oo Masar ka tirsan, Buuralayda Golan Heights oo ay Suuriya lahayd iyo Daanta Galbeed oo ay ka qabsatay Urdun.

Sanadkii 1972kii ayuu Ariel Sharon ka tagay ciidamada balse waxa uu dib ugu soo noqday sanadkii ku xigay ee 1973kii markii uu dhacay dagaalkii ay Masar dib ugu qabsatay lama degaanka Siinaay, dagaalkaasoo uu ka qaatay qayb libaax. Sanadkii 1977kii ayuu aasaasay Xisbi uu u bixiyay "Salama Sahyuun" kasoo laba kursi ka helay baarlamaanka Israa’iil balse markii dambe wuxuu ku biiray xisbiga Lukuud.

Ka dib Ariel Sharon waxa uu noqday wasiirka deegaamaynta yuhuuda, jagadaas oo uu hayay ilaa 1982kii markaasoo uu noqday wasiirka Difaaca, markaas oo ay ciidamada Israa’iil xoog ku galeen dalka Lubnaan oo ay ka gaysteen xasuuq balaadhan tuulada Sabra Washatiila. Balse in yar ka dib ayaa laga qaaday jagadaa iyadoo lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa dambiyadii ka dhacay Lubnaan.

1982kii ilaa 1984kii Ariel Sharon waxa u ahaa wasiir bilaa wasaarad ah.

1984-1988 Ariel Sharon waxa u ahaa wasiirka warshadaha ee Israa’iil.

1989-1992 waxa uu ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta.

1996kii ayaa loo wareejiyay wasiirka dib u dhiska ilaa 1998 markaasoo uu noqday wasiirka arrimaha dibada jagadaas oo uu hayay ilaa 1999kii.

Sanadkii 2000 ayuu madax ka noqday xisbiga Lukuud isagoo booqday bishii September masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa, taasoo ay ka dhalatay kacdoonka ay dadka reer Falastiin wadaan ilaa iyo haatan ee loogu magac daray "Intifaadatul Aqsa" kaasoo sababay dhiig badan oo ku daata bariga dhexe, cadho xoog lehna ku abuurtay dunida muslimka. 

Bishii March ee 2001 ayuu ku guulaystay doorashooyinkii ka dhacay Israa’iil markaasoo uu noqday Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, jagadaasi oo haatan markale dib loogu doortay.

Sida aynu soo aragnay Ariel Sharon waxa uu ka dhex muuqday dhamaan dagaaladii ka dhacay Israa’iil iyo Carabta magaciisuna waxa uu ku suntanyahay dagaal Ooge.

Sidaa darteed waxa la isweydiinayaa Ariel Sharon waxaan dagaal ahayn ma ku soo kordhin karaa bariga dhexe? Haddii aanay si kale u dhacin taasi maaha wax looga bartay, balse sida uu Hadraawi yidhi "halka uu dayr wakhtigu dhigo dib baa looga sheekayn, ka daraa u magac bixin." 

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 79aad

Ganat: Xubnihii IHADA hogaaminayey waxa ka mid ahaa Birhaanu Masqal Rada, markaa intii aanu dhiman ka hor aqoon miyaad isu lahaydeen?

Mingistu: Birhaana Masqal ciidankii uu dagaal gelinayey markii uu ku jiray weeraradii uu ka waday gobolada Tigraay iyo Ereteriya waxay sababeen inay Wayaanaha iyo shacbiyaddu (Jabhadda Ereteriya) u soo jeediyeen dhaliilo, isla markaana ay eedo ku soo oogaan, sidoo kale waxa uu la kadeedmay colaadihii uu la galay dawladda Adis-ababa, sidaa darteed marka uu Adis-ababa yimaado waxa uu la kulmaa iyadoo si weyn looga soo horjeeda, waxaana lagu odhan jiray "Diktaytar ayuu noqday, waxaa iyo waxaas ayuuna sameeyey", ka dibna eedahaasi waxay keeneen in xilkii laga wareejiyo, taasoo lagu yidhi "Xilka wareeji), laakiin inkasta oo uu yidhi "ogol baan ahay oo waan wareejinayaa", hadana jawigiisu waxa uu aaha mid murugo leh, balse inta uu yidhi "Ogol baan ahay" ayuu hadana shaqadiisii iska sii watay, hase yeeshee golihii dhexe ee IHABA-da ayaa soo saaray go’aan dhigaya in magaalada gudaheeda lagu sii faafiyo dagaalada, taasina waxay cirka ku sii shareertay xasuuqyadii ololihii caddaa. 

Anaguna jawaab wanaagsan ayaanu siinay Birhaanu Masqal, ka dibna markii aanu dhirbaaxada sida fiican ugu dhufanay ayuu iskaga baxay dagaaladii iyo hawl-galadii uu ku jiray, taasina waxay geyeysiisay dhibaato badan, tusaale ahaan isaga iyo xaaskiisuba waxay ahaayeen kuwo meelahaa sil-caya.

Birhaanu Masqal markii uu mar qudha iska dhaqaaqay waa la waayey, ka dibna markii aan idhi xagee buu jiraa ee aan dadka wayd-waydiiyey, marba meel bay iigu sheegeen, mar waxay igu yidhaahdeen "gobolka Wallo ayuu jooga", mar kalena meelo kale ayaa lagu sheegay, sidoo kale waxa kale oo la sheegay in isaga oo meel maraya uu u gacan galay dadka beeraley ah, ka dibna ay tookteen, sidoo kalena la arkay xaaskiisii oo la sheegay inay Uur lahayd, isla markaana ay dhibaataysnayd.

Anigu waqtigaa waxaan joogay Dirir-dhabe, ka dibna waxa ii soo gaadhay odhanaysa "Birhaanu Masqal meesha caynkaas iyo caynkaas ah ayaa laga helay, ka dibna waa la tooktay", laakiin hadana waxaan dadkii caynkaa ii sheegay ku idhi "Waxaan idin waydiiyey miyuu dagaalamay, mise ciidan buu watay", dabadeedna waxay igu yidhaahdeen "Maya ee isaga oo keliya ayaanu helay."

Hadaba dagaaladii magaalada dhexdeeda laga waday awooddii uu Birhaanu Masqal ku lahaa ma garan karo, sidoo kale in aniga noloshayda la baabi’iyo inuu ku taliyey iyo inkale m garran karo., waayo ninka magaalada dhex-joogay ee fulinayey hawl-galadii ololaha cas waxa uu ahaa Tasfaaye Dabasaay, isla markaana Birhaana Masqal xiligaa waxa loo diray hawl-galo dhinaca waqooyiga ah, hawl-galadaas oo ahaa inuu hogaamiyo ciidamo joogay gobolka Tigraay, laakiin hawl-galadii halkaa looga diray wuu fulin kari waayey. Tusaale ahaan markii uu is yidhi ama isku dayey inuu dhiso dhishibiliinka ciidamada, isaga oo is lahaa weerar adag qaad in lagu wanjalo mooyaane laguma taageerin, isla markaana qaar ka mid ah ciidamadii uu watay ayaa ka falaagoobay ilaa ay markii dambe xaaladiisu soo gaadhay inuu keligii soo hadho. Laakiin aniga oo Dirir-dhabe jooga ayaan maqlay in la qabtay. Sidoo kale xaaskiisa anigu maan arag, laakiin waxay dadku ku sheegayeen inay ahayd naag ad-adag oo dagaalyahan ah, isla markaana daacad ayey u ahayd ninkeeda. Hase yeeshee arintaasi waxay ahayd arin aad la yaab u leh, waayo waa la arkaa dad isjecel (Nin iyo naag), laakiin lama arko inta badan dad wada daagal gala am halgan wada gala.

Birhaana Masqal waxa uu dhigan jiray jaamacado, laakiin inta uu waxbarashadii jaamacadda iska joojiyey ayuu noloshiisu sidii ay u dhamayd u leexiyey dhinaca siyaasadda. 

La soco cadadka dambe.

Top


Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga

Q: 3aad Qiso Dhab Ah - Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye 

Liibaan M. Shire

Akhristayaal, iyadoo aanu qaybtii koowaad iyo qaybtii labaad ee qisadan oo ah qiso dhab ah oo dhacday idiinku soo gudbinay labadii cadad ee kan ka horeeyey waa tan qaybtii saddexaad oo uu Xasan Olol Jaamac (ninka naagta jinka ah guursaday oo hadda ah oday da’diisu tahay 70 jir) kaga sheekaynayo sidii ay gabadha jinka ah isu guursadeen.

"Markii ay igu tidhi iimaanso anagaa kuu malxiis ahe, aniguna waayahay ayaan ku idhi, laakiin markii Aamina waxoogaa sheekaysanaynay ayaa sanqadhi soo baxday, ka dibna waxa naloo keenay raashin lagu soo guray weel qori ah sida xeedhyaha oo kale, raashinkaasina waxa uu ahaa mid kala nooc nooc ah, dabadeedna aniga, Aamina ioy gabdhihii malxiisadaha ahaa ayaa halkii raashinkii ku wada cunay, ka dibna ilayn waxaan ahay nin aan maanta oo dhan waxba cunin oo gaajoonaya’e , waxaan markiiba cabbay caano gadhoodh ah iyo hadhuudh ku jira, laakiin markii aanu raashinkii dhamaantayo wada cunay ee weelkii la celinayey ayey Aamina Suldaan hilibkii ka reebtay jeeni iyo awlal, anigu raashinkaa iyo weelkaa cid keentay iyo cid weelka guraysa midna ma arko, mana aqaanno, intaa ka dib Aamina way I kaxaysay oo waxay I geysay halkii aanu seexanaynay, ka dibna labadii malxiisadood waa la fasaxay, waxayna nagu yidhaahdeen nabadgelyo ilayn aroos laguma raago, lagamana raago".Intaa ka dibna Aamina waxay I siisay Go’ aan guntado, isla markaana macawistii iyo garrankii waxay ku dartay maryihii ay markii hore iga bixisay, iyaduna wixii ay dahab xidhnayd ayey iska bixisay, dabadeedna waanu iska sheekaysanay, markaas ayey igu tidhi "Xasanow aabahaa iyo hooyadaa aniga ayaa caawa kaa xiga, adiguna sidoo kale adiga ayaa iga xiga aabahay iyo hooyaday, waayo nin iyo naagtii ayeynu noqonay, markaa waxaad yeeshaa horta meeshan aad hadda joogto bismilayso, ta kale marka ay da’daadu gaadho 25 jir waxaanu ku siinaynaa koofiyad, koofiyadaas oo ah mid aad adigu dadka arkayso, laakiin aanay iyagu ku arkayn, waxa kale oo aanu ku siinaynaa fargal aad farta gashato, fargalkaasna waxaad u isticmaalayso marka aad damacdo inaad meel tagtid, fargalkaas ayaadna xoqaysaa, ka dibna waxaad arkaysaa adiga oo meeshii aad doonaysay taagan meelkasta ha ahaatee, waxa kale oo aanu ku baraynaa inta dhir arlada ku taal iyo nooca dawo iyo dabiib ee ay dhirtaasi leeyihiin. Waxa kale oo aanu ku baraynaa inta af ee adduunka lagaga hadlo hadii ay tahay af islaam iyo hadii ay tahay af gaalo, Hadii aan waqtigaa caqli leeyahay wixii ay Aamina ii sheegaysay waan ka faa’iidaysan lahaa, laakiin waxa ay ii sheegayso oo dhan riwaayad ayey ila ahayd, waayo inta aan aqoontaas oo dhan ka barto oo aan kala hadho ayaan maanta ka faa’iidaysan lahaa. Arintu sida ay doonto ha ahaatee aniga iyo Aamina habeenkaas oo dhan waxaanu ahayn qoys cusub oo waanu iska sheekaysanaynay, ka dibna markii waagu soo beryayey ee salaadii subax la adimayey ayey Aamina igu tidhi "Xasanow orod oo soo maydho" dabadeedna waan soo maydhayna Aamina gogol ayey gurtay oo ay ii geysay geed-weyn oo guriga hortiisa ah, waxa kale oo ay geedkii ii geysay quraacdii iyo qadadii , ka dibna waxay igu tidhi "Nabadgelyo habeenkii ayeynu wax isu nahaye", dabadeedna waxaan ku idhi "Oo maxaa dhacay sowdigii shalayba badda igula dagaalamayey", waxay iigu jawaabtay "Shalay amar baan haystay, laakiin waqtigan amarkii ma haysto", ka dibna way iska tagtay, aniguna ilayn xalay oo dhan nin soo jeeday baan ahaye waxaan hoos seexday geedkii, ka dibna markii ay abaaro duhurkii ahayd ayaa waxa ii timi islaantii Aamina dhashay ee soddohday oo masacagalay, dabadeedna way gargaraacday iyadoo doonaysa inay qadada ii kiciso, laakiin anigu ma garanayo, waxaan misigta kaga dhuftay dhagax yar, ka dibna way iga carartay, basle maan sii seexan ee inta aan kacay oo aan banaanka tegay ayaan soo noqday oo aan cuntadii ay Aamina ii dhigtay cunay, markii aan cunayna dib ayaan u sii seexday, dabadeedna waxaan hurdadba markii ay cadceeddu dhacday ee ay maqribkii ahayd ayaan qaylo maqlay, taas oo la leeyahay "Alla soddohdii ayuu dilay", aniguna waan yaabanahay oo waxaan leeyahay "Waar xagee baad ku aragtay soddohdan ay leeyihiin wuu dilay", dabadeedna aniga oo yaaban ayey suldaankii sodogay iyo sodohday soo baxeen oo ay dadkii qaylinayey oo inta ay u hanjabeen iga celiyeen, iyadoo ay islaantii soddohday tidhi "Muxuu igu sameeyey oo aad u sheeganaysaan , hadii aydaan inanka iska dhaafin waan is qaawinayaa", sidoo kale suldaankii ayaa isna yidhi "Wiilka hinaase ayaa idinka haya". Intaa ka dibna waa la iska kala tegay, ka dibna suldaankii ayaa fiidkii ii yeedhay oo igu yidhi "Xasanow waxa layna kala yidhaahdaa jin iyo insi, markaa saddex bahal mooyaane bahalaha inta kale oo dhan jinku wuu isu ekaysiiyaa, saddexdaa bahal ee aanu jinku isu ekaysiina waxay kala yihiin: Doofaarka, Abeesada iyo Eyga", dabadeedna suldaankii ayaan ku idhi "Anagu hadii aanu insiga nahay marka aanu bahal aragno fara lama gafnee na kala fogee oo bahalaha igala hadal oo yey ii soo dhowaan", dabadeedna "Waayahay"ayuu suldaankii igu yidhi, laakiin waxaan iswaydiiyey tolow islaantii soddohdaa aragtaye odayguna muxuu noqdaa, markaas ayaan waydiiyey suldaankii oo aan ku idhi maxaad noqotaa, markaas ayuu igu yidhi "Waxaan noqdaa Aar (Libaax) oo magacayagaba waxa la yidhaahdaa Aar", dabadeedna isagii ayaan ka baqay, laakiin maalintaa wixii ka dambeeyey waanu kala nabadgalnay bahalihii.

Muddo markii aan halkii joogay oo ay gabadhii Aamina suldaan Uur ii yeelatay, isla markaana uu sedkeedii soo dhowaaday ayaan ku idhi "waxaan doonayaa inaan reerkayagii soo salaamo oo aan soo arko, ta kale reerkayaga muddo ayaan ka soo maqnaa meel aan jirana ma ogee aan isa soo ogaysiiyo inaan halkan joogo", dabadeedna Aamina waxay arintayda u sheegtay suldaankii, ka dibna wuu ii yeedhay oo wuxuu igu yidhi "Xasan ma reerkii baad rabtaa inaad soo aragto", "Haa" ayaan ku idhi, dabadeedna suldaankii iyo islaantii soddohday reerkayagii ayey lacag badan iyo dhar iigu dhiibeen, ka dibna suldaankii baa igu yidhi "Xasanow aabahaa waa nin darran oo wuxuu ku odhanayaa Xasanow xoolahan tirada badan xagee baad ka keentay markaa hanooga sheekayn ee waxaad tidhaahdaa Berbera ayaan ka imi, hadii uu ku yidhaahdo maxaad ka qaban jirtayna, waxaad ku tidhaahdaa maraakiibta xoolaha ayaan ka shaqayn jiray, aroortana diyaar garow waad tegaysaaye"...

La soco cadadka dambe.

Top


Jacaylkii Qiimihiisa Qurba Joogu Dhantaalay (2)

Sheeko Taxane Ah - Waxa Qoray Mukhtaar Maxamed Shiil

Tahay gabadh walaashay oo kale ah Inta uu xanaaqay ayuu yidhi 'waxan u malaynayaa inanta aad calman doontaa inaanay weli dhalan". 

Wuxuu iga codasaday inaan gurigooda ku booqano si uu u soo arko inantan aan amaanteeda u dhameeyey. Waxa ka soo wareegtay in ka badan bil maalintii iigu dambaysay Haboon aragtideeda. Waxase la ii sheegay in aabaheed caafimaaday oo ay hadda gurigooda joogto. Runtii, igama ay filayn in xataa maalin kaliya aan ka maqnaan doono. Waan sii akhristay gartayda, intii aan dhexda xaafada ugu sii jirnay waxan diyaariyey cudurdaar macquul ah oo aan kaga baxsan karo. Markii aanu guriga horjoogsanayba Fahmi oo ah nin aniga iga dhiiran ayaa albaabka u garaacay sidii gurigooda oo kale. Waa nalaga furay, waxana naloo sheegay inaanay Haboon joogin balse ay soo dhawdahay. Waxase yaab igu noqotay markii gabadh yari i weydiisay "ma Sacad baad tahay?" waxan la soo booday "haa, haa" waa nata fadhiisiyey. Saaxiibkay su 'aaluhu kama dhamaadaan, "waar maxaad ii lahayd xaafada hare umaan iman sowtan lagaa garanayo?" ayuu waydiiyey. Jawaabtiiba intaanay dibnahayga soo dhaafin ayaan maqlnay tii yarayd oo leh "hooyooy waxa yimid inankii Haboon oo sheegi jirtay ee la hayay Aabo markii uu dhakhtarka ku jiray" cabaarbaan labadayadiiba hoos u qosolnay. Waxan halkii isku baranay Haboon hooyadeed Shukri yo qaar ka mida walaalaheed. Albano sawiro ka buuxaan ayaan naloo keenay si aan ugu mashquulo inta ay noo imanayso. Fahmi oo aad u xiisanayay Haboon aragtideeda ayaa judhiiba bilaabay daawashadii sawiradeeda. 

Aadbuu ula dhacay muuqeeda waxana ka soo hadhay "waar inantu qurux badanaa" ayay Inyar kadiba iyadiibaa albaabka soo qaraacday, markii aan codkeedii maqlayba waan isku dhex daatay, waxan noqday dambiile la qabtay. 

Igamay filayn meesha "AlIa waa Sacad!" inta ay ku dhawaaqday bay igu dhagdhagtay, iyadoo nala moodayey walaalo is jecel oo sanado badan war la 'aan kala maqnaa. Markii aanu is waraysanay si fudud baan uga qanciyey maqnaanshahaygii Cabaar baanu kaftan iyo sheeko duleed wadnay. Fahmi oo ahaa nin hadal badan oo inta badan aan ka qatanaan sheekooyinka maalintaas muu hadal balse si wanaagsan ayuu ula socday sheekada isagoon mar qudha nuuxsan. Waan weydiiyay waxa uu la hadal gabay wuxanu iigu jawaabay "waxan macaansanayey hadalkeeda, haddii aan sheekayn lahaana fursadaas dhagahaygu may- heleen." Markii aan baxaynay waxan Haboon u ballan qaaday inaan maqnaansho dambe jirin ee marwalba aan guriga ugu iman doono Booqashadani aniga iyo Fahmi waxay noo ahayd mid dahabiya, waxan soo baranay reer qofka aad aragtaaba aanu ka kale ka laalaadin. Marba marka ka dambaysana isbarashadayada, walaalnimadayada iyo isdhexgalkayagu wuu sii xoogaysananyey. Todobaad kasta ugu yaraan hal mar ayaan kulmi jiray aniga iyo Haboon. Inta aan kala maqanahayna waxan ka fikiri jiray hadaladii aanu is nidhi iyo isu dhoola cadayntii. Waxan markii dambe gaadhay heer marka casharada la dhiganayo aanan la socon oo aan ku soo hanbabaro marka uu macalimku yidhaa casharku maanta halkaas ha inoogu joogo. Xaafadayada marka aan joogo sidii la iiga bartay uguma sheekeeyo dadka, waxana la iga dareemay aamusnaan. Habeen anaga oo daarada gurigayaga ku cawaynayna ayaa hooyaday i weydiisay "beryahan maxaa kugu dhacay sidii hare uma sheeko badnide" anigoon weli hadal ayaa aabahay oo aan naga durugsanayn yidhi "inanku wuu mudakaraye ma inuu caruurta la qastaad doonaysaa". Aniguna intaan qosol iska yeelyeelay baan idhi "haa waa sidaas aabo sheegay."

Markan aad baan u dareemay isbadalkan aan la dheeliyey, waxan isku clayey inaan ogaado halka ay wax ka socdaan iyo sida ay wax u jiraan. Waxan naftayda weydiiyey sababta marwalba Haboon humaageedu muraayada qalbigayga ugu sawiran yahay, sababta dhagahaygu codkeeda ugu boholyoobaan iyo sababta indhahaygu u basaasaan haddii ay arki waayaan. lleyn isma ogiye waxa aan la gagabsanahay dhirbaaxada hirarka badweynta Jacaylka oo i hafisay qarkana aan u saaranahay inaan qaraqrmo. Meeshaba maan soo dhigan in kalgacalka Haboon xubnaha jidhkayga nuglayn doono. Jacaylkii wuu igu xididaystay waxanu gaadhay heer aanan kantarooli karin naftayda. Waxan dhaxlay fikir badan, maskaxda oo aan ka daalo, buuqa oo aan necbaysto, waxdhigashadii oo aan karhay iyo deganaansho la 'aan nolosha ah. Dabeecadahaygii oo dhamina waxay noqdeen qaar isbadalay. 

Khayaal bay ila tahay oo waxan rumaysan kari laayahay inan tii aan u dhawaan is baranay hawsha ay durba I baday. Haddana waxan xaqiiqsanahay in ay cadahay qof naftaydu si dhab ah u ogolaatay, baahideedu i hadhaysay oo wadnuhu aanu la 'aanteed awood u helayn inuu dhiiga soo gaadhsiiyo halbawlayaasha jidhka intiisa kale waraabiya Haboon maaha qof aan ku dhiiran karo. Wax kasta waanu ka wada sheekaysanay, ilaa aan markii dambe arrimaha qaar kala talin jiray. Sidaas daraadeed waxa iga kasbatay ixtiraam weyn, haddii aan arrintan u bandhigana waxan ka baqayaa inay carqaladayso walaalnimadoodii. 

Haddiise ay noqon lahayd qof aanu sheeda uun aan lska naqaan waxba llama ahaateen maan ku; idhaahdo Gacaliso xagaagaa la ii hayaa. talo way igu ciirtay, muddaan arrintii rogrogay, waxan xal u arkay inaan candhuuftayda dib u liqo naftaydana ilawsiiyo jacayka aan u qabo Haboon. Waxan iska ilaaliyey aragtideeda, waxan ku mashquuliyey naftaydii muusik, heeso, iyo filimo si xusuusteedu qalbigayga uga guurto, balse waa la iiga sii daray oo qandhadu jidhkayga oo dhan bay gaadhay. 

lmisaan is banbaanshay 
Ka baydhbaydhay haweenka Don bariidada khayrka 
Buundi aanan u dhaafin 
Jacaylkaan ka baqaayay Maanta waan la bukaa. Badweynbaan ku jiraa 
Badhtankuu wadnahayga Badi dhiiga xambaara Hadba baa I u socdaa Heesaha baroortaan 
Jidhka boogo ku yaala Ku bogsii is idhaahdaa 
Kama baantaan dhibkee Way ku sii balbalaan Laxawgaa ku balaadha Hadaan biimo naftayda Bandhigeeda warkiisa u badheedh Is idhaa Haboontii igu beertay Naftu way ka baqdaa 
Birmadkayga Fahmoow Yarta aan u basaasay 
U bayaansha xogtayda 
Warqad baaqa u geeya . Bal inaan ka baxoon 
Ka badbaado dhibkiisa. 

Si kastaba ha u qadhaadhaatee, waxan go'aan ku gaadhay inta ay goori goor tahay inaan Jacaylkayga sheegto. Marka horase waxan jeclaystay inaa la sii tashato garabkayga midig oo Fahmi ahaa. Maalin Jimce ah ayaan gelinkii hore kalahaad ku tagay saaxiibkay gurigooda oo aanu kala durugsanayn. Waxan ugu talo galay inaan hurdada ku gaadho intaanu suuqa u bixin. Nasiib wanaag, waxan u tagay isagoo jiifa oo dhagaysanaya hees qaraamiya oo aan u malaynayo inaanay - dad badan dhagahooda ku cusbayn. 

Anna waxa i dhaawacay Dhaayaha u rooneey Dhoola. ka. .. qosolkaagee." 

Haddii aanu is dhaafsanay bal waran saaxiib iyo waa nabad, waxa aan dhinac kaga fadhiistay sariirtii uu ku jiifay, waxan dhagaha u furay heestaas oo aan is idhi malaha way ku saameynaysaa. Dhawr jeer baan dib u soo duubay markii ay dhamaatay. Fahmi intaas oo dhan wuu ii fiirsanayey, waa nin indheer garad ah, maskax badan, arrimaha dhalinyaradana waayo arag ku ah. Iswaraysi iyo sheekooyin markay dhamaadeen ayuu igu soo tuuray su 'aal xogwaraysi ah, "Sacadow walaal baryahan dambe waan ku arkaayoo si baad isugu buuqsan tahay, waxba ha iga qarine ii sheeg ma xaafadaa wax dhib ahi ka jiraan, waa maxay culayska ku saarani inaan dareenka aad qabto kula wadaago ayaan mar walba jeclahay." 

Jawaabta umaan dheerayn "Maya, waxba ma jiraan". Waan arkayey inaanu ku qancin jawaabtaas balse ogaanbaan uga dhago adaygay. Intaanu su'aal labaad i weydiin ayaa waxa noo soo gashay walaashii Warda oo qureec u sida. Waa gabadh kaftan badan oo aan jeclaysto sheekadeeda marka aan gurigooda joogo. "AlIa, Sacad ii waran walaal...oo maanta waabad soo kalahdee xageed ka soo dhacday" weedhahaas degdega ah intay iska soo horaysiisay bay dhulka dhigtay weelkii ay siday. Wuu igu khasbay inaan quraacdii la cuno, Wardina waxay fadhiisatay kursi albaabka u dhawaa intii aan wax cunaynay iyada ayaa na maaweelinaysay. "Sacad sidaas kumaan moodayn, haddii aad saaxiibkaa suuqa isku aragtaan xaafada iman maysid miyaa, ileyn dad kalaa joogana waa la is yidhaa mar qudhuun baad naga goosatay" ayey tidhi inta ay dhoola cadaysay. Si aan u yool habaabiyo ayaan idhi "oo miyaad igaga horaynaysaa anna imikaan dacwad kuu soo wadaye, inaan xanuunsaday ma ogid, waxan islahaa dadka Warda ayaa kuugu soo horeyn". Beerka inta ay gacanta saartay bay tidhi "goorma? oo miyaan wajigaaga ka garto, waan yaabay intaas nagamaad maqnaateene" inta ay Fahmi xagiisa jaleecday ayay tidhi "oo waar maxaad iigu sheegi weyday". Waxay ku soo goysay hadalkii "saaxiibkaa waa nin xun, inuu xanuu1k:aaga iga qariyo may ahayn daqiiqad kaliya kaamaan maqnaadeene". Aniga iyo Fahmi intaan is eegnay ayaan is xajin kari waynay. Mar kaliya ayaan qosol jaanta wadhnay, iyadana waxa ka soo baxay hadalo ay ka mid yihiin "Hee.. .maxaa dhacay... miyaad igu ciyaarayseen... kumaan moodayn Sacadow inaad beenta intaa leeg u badheedho."

Anigoon weli qosolkii ka soo noqon baan idhi "maxaan sameeyaa dee, cidhiidhi baad igalisay anna waan iska kaa dhiciyey." 

Fahmi wuxu isku taagay khamiis cad iyo cumaamad. Inta uu tusbax cad oo laalaadsaday ayuu yidhi "waar ina keen magaalada galnee". Markaan sii baxayey Warda oo albaabka ku tiirsanayd iskana cadhaysiinaysa dhoolacadaynina aanay ka maqnayn ayaa inta ay dhabarka iga sii dhirbaaxday tidhi "Waayahay ha inoo ahaato, marna naga maqnaw, marna been ii sheeg". 

Qosol baan isku dhaafshay dabadeedna macasaleemeeyey. Waxan fadhiisanay maqaaxi aan maalintan oo kale ku sheekaysan jirnay inta ka horaysa salaada Jimce. Laba koob oo bun ah ayaanu dalbanay. Kadibna waxan u faahfaahiyey saaxiibkay Jacaylkan sida lama filaanka-iigu jiifsaday. Sheekada intaan u waday wuu dhuuxayey mar qudhana ismuu dhaqaajin. Markii aan hadalkii soo gabagabeeyey, warka muhiimkiisiina u gudbiyey, waxa wajigiisa dibada uga soo baxday qiiro hor leh. 

"Waan garanayey in Jacayl nacasi ku haleelayo...imisaan ku lahaa waar sida dhalinyara waaya arag oo hadba inanta aad milicsato raac... wax ka gur haddaba waataas Haboon kaaga dhagtaye". Mar wuu i canaantaa, marna wuu ii garabaa. Intii uu hadalka waday waxa I hor yimid ayaamo aan Fahmi la yabaanaa. Waxan xasuustay markii ay Fahmi reerkooda ku kala tagi gaadheen gabadh Sabaax la odhan jiray oo ay muddo dheer isku marnaayeen. Waa tii uu kaga qancay gabadh dambe oo uu la sheekaysto. Waxan ka mid ahaa dadkii u hawl galay sidii loo kala kaxayn lahaa. Aakhirkiina waxay u dhacday sidaan doonaynay. Iyadiina nin kale ayaa guursaday. Dhinac kaliya ayaan markaa arrinta ka eegay oo ahayd in Fahimi aanay reerkooda gabadh isku seegin. Wax tagay ileyn tiigsimaad ma leh!. Waxa la yidhi qofku waxanu garanayn waa u cadaw. Imikaan dareemayaa wixii maalmahaa saaxiibkay gubayey. Dhacdadaasi markaan xasuustay waan miyir beelay. Mar dambe ayaan ku war helay fahmi oo cod dheer ku leh "waar dee nata hadal xageed u baxday".

La Soco...

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wax Isu Sheeg Ma Xuma Ee Wax Is-Weydaarsi Baa Ba’an

In badan ayaan maqlaa rag masuuliyiin ah oo ka cabanaya dhaqaalo xumo dawladda Somaliland haysata oo aan cidna taageero ka helin aduun weynaha caalamka waxaan leeyahay gudahaaga hagaajiso oo isku daya cashuuruhu inay ay galaan khasnada dawladda tusaale dakhli fara badan ayaa ka soo baxa dawladda hoose ee Hargeysa, dakhligaasi wuxuu galaa jeebka shaqaalaha.

Waxaa jira sekedo dhan oo dadku ku magacaabay booli qaran macnuhu waxa weeye xoolihii qaranka ayaa laga dhistay, qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose waa maal qabeeno ka u liita u haystaa guri, gaadhi, iyo lacag.

Waxa ka marag kacaya jidhkooda oo subagu debeda ka joogo dadka reer Somaliland way ka duwan yihiin arrinta ma nin walba ma awr baa geedka ugu xidhan sidee wax yihiin? Hashu maanka gadee ma maansaar bay liqday wax isu sheeg ma xuma ee wax iswaadaaris baa ba’an.

Xuseen maxamed Xasan
Hargeysa

Top


Beerta Sharci Baanu U Haysanaa

Anigoo tixraacaya warkii ku soo baxay Al-Xoriya Vol, 1 Issue 9 ee taariikhdu ahayd 1 Feb. 2003, boga 1aad ee ahaa arrinta Cusbitaalka Shifo.

Waxaan halkan ka bixinayaa jawaab celin ku saabsan arrinta dhulka loo doonayo cusbitaalkaas maadaama aan ahay mid ka mid ah mulkiilaha iska leh beertaas, anoo u haysta beertaas sharci iyo shahaadadii beerta oo aan lahayn in ka badan lixdan (60) sanadood kuna dhalanay aniga iyo walaaladayba.

Haddaba waxa yaab leh in ninkan doonay inuu dhiso cusbitaalka Cali Axmed Maxamuud uu damac ka galay beerta reerkaasi degenyahay ee sharciga ay u lahaayeen daganaayeena mudadaa ka badan 60-ka sanadood.

Haddaba damaca intaa leeg iyo been sheegida beerta agoonta Xaaji Cumar Maxamed lagu sheegayo danta guud waa mid aan la aqbali karin boob caadaanana loola imanayo mulkiilaha beertaas. Isagoo ku qadhaabanaya madaxda qaarkood sida Guurtida, iyo wakiilada, si uu u gaadho dantiisa cusbitaalka gaarka ah. Warkaas arrinka ku soo baxayna ay tahay been aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxan halkan ku soo lifaaqaynaa waraaqahayaga aanu cadaynta u haysano 

Sacad X. Cumar Maxamed
Hargeysa

Top


WAADIGA CIYAARAHA 

Roma Oo 3-1 Kaga Badisay Bologna

Roma (W. Wararka): Kooxda Roma, ayaa ciyaarteedii ugu dambeysay kaga guuleysatay 3-1 kooxda Bologna oo ay ciyaari ku dhexmartay garoonka kubadda cagta ee Olympic.

Kooxda uu tababaraha u yahay Fabio Capello, waxay haysteen ciyaartaa ka hor 23 dhibcood oo ay ka urursadeen 18 ciyaarood oo ay hore u safteen. Taageerayaasha kooxda Roma, ayaa ka werwersanaa in dhammaadka ciyaarahan ay kooxdoodu hoos ugu noqoto heerka dib ay kooxaha Serie A Talyaanigu ugu noqdaan ee Serie B.

Fabio Capello oo la rumaysan yahay inuu ka mid yahay tababareyaasha dunida ugu wanaagsan, waxaa toddobaadkan soo foodsaaray culeys kaga yimid dhinaca heerka ay mareyso kooxda Roma.

Ciyaartoyda kooxda Roma, maamulka kooxdaa iyo taageerayaashooduba, waxay u sababeeyeen mushkiladda haysata kooxdoofs in ay tahay dhinaca garsoorka ee ciyaaraha ay kooxdaasi safatay.

Kooxda Roma oo ahayd horyaalkii kooxaha kubada cagta ee Talyaaniga 2 sannadood ee tegay, waxay u muuqatay qaybtii hore in lagula ciyaaray qayb garoonka ah oo dhinacooda ah, laakiin qaybtii dambe ee ciyaarta Roma la ciyaartay Bologna ayay kor u soo diirtay ciyaarteedii, taas oo ku dhammaaday guul balaadhan oo ay la hoyatay kooxda Roma. Daqiiqadii 28aad, ayay gool sigtay Roma, markii uu kubadda dhinaca midig kala soo weerar galay Christian Panucci dhinaca goolka Bologna, waxaanu kubadda dhigay meel uu joogay Delvechio, kubadaas oo ahayd kubad sare ayuu madaxa la helay Delvecho, laakiin waxaa soo celisay birta. Ugu dambayntii markii ay dhawr jeer hujuunka Roma ay sigeen goolka Bologna, ayay Delvecho iyo Marcos Cafu isla heleen isu dhiib-dhiib uu laad toosan xoogan oo hoose uu lahelay goolka Bologna, laakiin kubaddaa waxaa soo celiyay Paramatti, waxaana markii dambe kubaddaa goolwadaha Bologna daba mariyay. Signor, ayaa gool isna u dhaliyay Bologna. Qaytii labaad ee ciyaarta ayuu Marco Delvechio u dhaliyay goolkii labaad ee ay Roma ciyaartaa ku hogaamisay. Goolkii saddexaad ayay Roma dhalisay daqiiqadii 72aad, markii uu Antonio Cassano uu dhammaystiray kubad uu si gudbin (karoos) ugu soo laaday Cafu.

Gooshani, waxay keentay kooxda Roma kaalinta sagaalaad ee kala horeynta kooxaha Talyaaniga ee Serie A.

Top


Barcelona Oo Ku Sii Socota Wadadii Guuldarooyinka

Madrid (Reuters): Kooxda ay la soo deristay mushkiladu ee Barcelona, ayaa sii qaaday wadadii ay kula kulmaysay guuldarooyinka ciyaaraha ay safatay, kadib markii ay toddobaadkan kooxda Atletico Madrid kaga badisay 3-0, kooxdan oo buuq ka dhex oogsaday awgii lagu khasbay inuu ka tago tababarahoodii Dutch-ka ahaa ee Louis Van Gaal oo ka tegay toddobaadkii hore, waxaana tababare loogu magacaabay Radomir Antic oo hore u maamuli jiray kooxda Atletico.

Kooxda Barcelona, guuldarada ay la kala kulantay ciyaartii ay la ciyaartay kooxda Atletico Madrid ee sabtidii, waxay ahayd guuldaradii saddexaad oo xidhiidha ee ay kooxdaasi la kulanto.

Fernando Torres, ayaa shan daqiiqadood ka hor wakhtigii nasashada goolkii ugu horeeyay u dhaliyay kooxda Atletico Madrid. 20-daqiiqadood ka hor wakhtigii nasashada, ayay labada kooxdba ku ciyaareen min toban ciyaartoy, kadib markii laga saaray oo la siiyay kaadhka cas ee ciyaar ka saarista Jose Mari oo Atletico Madrid u ciyaarayay iyo Fabio Rochemback oo khadka dhexe uga ciyaarayay Barcelona, kadib markii ay si cad isugu xanaaqeen labadaa ciyaartoy. Saarista labadaa ciyaartoy, waxay u muuqatay in ay ka faa’iideysatay kooxda Atletico oo 5-daqiiqadood kadib sii kordhisay hogaamintoodii ciyaartaa, kadib markii ciyaartoyga reer Brazil Emerso kubad madaxa ku dhuftay, kubadaas oo laga soo laaday geftinta garoonka oo uu u dhaliyay goolkii labaad ee Atletico.

Saddex daqiiqadoo oo qudhi markii ay ka hadhsanayd ciyaarta, ayuu goolkii saddexaad ee ciyaarta ku soo khatimay Luis Garcia oo hore ugu ciyaari jiray kooxda Heerka B ee Barcelona, halkaas oo uu Garcia ku dhaliyay goolkii saddexaad ee kooxda Atletico. Ciyaartiina, waxay ku soo geba-gebowday 3-0 ay guushu ku raacday kooxda Atletico, Barcelona-na ay khasaarahaa ku kasbatay.

Top


Kooxda Argentina oo ciyaar saaxiibtinimo kaga adkaatay Honduras

San Pedro (Reuters): Ciyaar saaxiibtinimo oo maalintii Jimcihii dhexmartay kooxo ka kala socday dalalka Brazil iyo Honduras, ciyaartaas oo ay 3-1 ku guuleysatay kooxdii ka socotay dalka Argentina.

Kooxda Argentina oo aad moodaysay in ay ka soo kabaneyso naxdintii ciyaartii ay 2-0 kaga badisay laba sannadood ka hor, waxay ciyaartan gacan saraysay 70 daqiiqadood oo ka mid ahaa ciyaartaa oo uu goolka hore u dhaliyay Argentina, Deigo Milito. Sideed daqiiqadood kadib markii goolku u dhashay Argentina, waxaa isna gool dhaliyay Honduras, halkaas oo ay ciyaartu ku noqotay 1-1. Qaybtii labaad ee ciyaartaa ayay goolal ay kala dhaliyeen Mariano Gonzalez iyo Luiz Gonzalez, waxaanay kor u qaadeen niyadda kooxda dalka Arjantiin.

Tababaraha Argentina, ayaa ciyaartaa safay ciyaartoyda reer Argentina ee ka ciyaara dalkiisa gudihiisa, sidaas oo u ahayd tababare Marcelo Bielsa, tijaabada uu ka qaadayo awooda kooxda Argentina oo ay ka maqan yihiin ciyaartoydooda ka ciyaara dalalka kale ee adduunka.

Kooxda reer Honduras, waxaa ka maqnaa laba ciyaartoy oo kala ah, David Suazo oo ka ciyaara Talyaaniga iyo Julio De Leon. Kooxda Honduras, waxaa ka rajo tiray inay ka guuleystaan kooxdii ay martida u ahaayeen laba gool oo ay Argentina u kala dhaliyeen Luiz iyo Mariano oo ah laba ciyaartoy oo walaalo ah oo u saftay kooxda ku ciyaaraysay dalka Argentina.

Ciyaaraha saaxiibtinimada ee ay kooxaha dalalka kale kula kulmeyso kooxda reer Argentina, waxay maanta kula ciyaareen magaalada Los Angeles ee Maraykanka koox ka socota dalka Mexico, waxaa kale oo ay Jimcaha soo socda kula ciyaari doonaan kooxda USA magaalada Miami.

Top


Yaabka Dunida
  1. Qabiil la yidhaahdo Imomba oo ku nool dalka New Gini, ayaa waxa caado u ah haddii naagta ninkeeda laga dilo in aanay timaheeda iska jarin oo ay u dhisto sida Shabagga oo kale, sidoo kalena looma ogola in ay nin kale guursato ilaa iyo inta la dilaayo amaba looga aaneynaayo cidii dishay ninkeedii.

  2. Isla Wadanka New Gini, Qabiil kale oo iyaguna ku dhaqan meesha la yidhaahdo Badoreyi, ayaa dhallinyaradoodu amaba ragoodu marka ay muujinayaan in ay qaan-gaadh yihiin, waxay timahooga sudhaan xig uu dhererkiisu qiyaastii gaadhsiisan yahay ilaa iyo hal mitir, isla markaana waxay ku sii dul xidhaan shan baad oo kuwa shimbiraha ah.

  3. Dalka yar ee la yidhaahdo Timor ee beriga dhaweyd ka go’ay dalka Indonesia, waxa ku dhaqan dad uu dhaqankoodu yahay marka uu qof ka dhinto in ay geed korkiis guri yar oo caws ka sameysan uga dhisaan, kadibna inta ay maro ku duubaan ayay geedkaas guradiisa dhigaan.

  4. Dalka Madagascar, waxa ku dhaqan Qabiil magacooda la yidhaahdo Baara, caruurta ay dhallaan marka ay qaan-gaadh ku dhow yihiin, ayay siiyaan tababaro sidii ay u ledgi lahaayeen amaba ay iskaga celin kari lahaayeen neef Dibi ah.

  5. Taariikhku markii ay ahayd 1805 ee uu Ingiriisku qabsaday dalka Zanzibar, waxa ay gacanta ku dhigeen ninkii la odhan jiray Tiigir Beengal oo u dhashay dalka Faransiiska, waxaanay la xidheen maxaabiis kale. Beengal, maxaabiistii kale ee la xidhnayd ayuu abaabulay, waxaanu isku dayay inuu baxsado, kadibna foostooyin madhan inta ay midkiiba laba ruux dhex galeen, ayay badda dusheedii ku mareen. Mar allaala markii la ogaaday in ay baxsadeen maxaabiistii ayay bilaabeen ciidamadii badda ee Ingiriisku baadigoob. Markii ay ciidankaasi heleen maxaabiistii baxsatay, waxay kala kulmeen nimankii baxsadka aha ee nin laba-labada iskula fuushanaa foostooyinka, iyaga oo khamri shushubanaaya oo turuna ciyaaraya oo aanay kaba qasnayn.

  6. Dalka Switzerland, waxa ku taalla buur magaceeda la yidhaahdo Valays, buurtaasi masaska ku nooli waxa ay kaga duwan yihiin masaska kale Caalamka ku nool, marka ay gaajoodaan waxa ay ag jiifsadaan biyaha agtiisa mar alaala marka ay arkaan kalluun kor u soo boodaya, amaba ka soo dhex baxaya biyaha gudihiisa ilbidhiqsiyo gudaheed, inta ay ku boodaan ayay soo qabtaan kalluunka oo ay cunaan.

  7. Dalkii la odhan jiray Waqooyiga Roodiishiya (Zimbabwe) nin ku noollaa oo la odhan jiray Hanook, isaga oo iska ag tamashleynaya Webiga magaciisa loo yaqaano Kaafu, ayuu Yaxaas inta uu kaga soo booday webiga oo uu qaybsaday oo la galay webigaas. Isla markii uu yaxaasku Hanook la galay webiga dhexdiisii, ayuu isaguna bahal qaniinyo ah yaxaaska dabadda kaga dhajiyay. Hanook, markii uu in badan dabadii uu ilkihiisii ku sii hayay ayuu yaxaaskii xamili kari waayay xanuunka qaniinyada Hanook, waxaanu isku dayay inuu ka fakado, kadibna Hanook markii uu dareemay inuu sii daayay yaxaaskii ayuu inta uu iska sii daayay biyihii iskaga baxay. Hanook, maadaama uu yaxaasku dhawr meelood uu ka qaniinay oo uu dhaawacyo farabadan u geystay, waxa la dhigay dhakhtar ku yaalay magaalada Lusaka, arrintaasi waxa ay dhacday taariikhdu markii ay ahayd 1940-kii.

Top