Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 261 February 4, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Maamulka Cusub Ee Boorama Oo Xilkii La Wareegay Iyo G/Deegaanka Baki Oo La Dhaariyay

Ururka SSJW Ee S/land Oo Bixinaya Tabobar Saxaafadeed

Iskuulka Dhismihiisa La Horjoogsaday Iyo Cabashada Degaanka Masallaha

Madaxtooyada Somaliland Oo Beenisay In Madaxweyne Rayaale Uu Booqanayo Dalka Liibiya

"Xisbiga UDUB Xaq Buu U Leeyahay Inuu Kala Saaro Musharaxiintiisa Golayaasha Deegaanka"

Hoggaamiye-Kooxeedyada Somaliya Iyo Dhaqdhaqaaqa Is-Xulafaysiga Cusub

Wararka Dibadda

Ra’iisal-Wasaaraha Israel Oo Dedaal Ugu Jira Dhismaha Xukuumaddiisa Cusub

Faransiiska Oo Sheegay Inuu Dhexdhexaad Ka Yahay Xaaladda Ciraaq

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wasiirka Warfaafintu ma Boqol Buu u qaybsami?

Kud ka Guur Oo Qanjo U Guur

Maxaa Dhulkayaga Loo Dhacayaa

Maamulka Fara-Weyne Wuxuu Ku Xad-Gudbay Sharciga

Daymada Daryeelka Deegaanka

RAADYOW MA QALOOCSHE

WAADIGA CIYAARAHA

Adepoju Oo Ku Biiray Kooxda Samsunspor

Cameroon Oo 1-0 Kaga Adkaatay Senegal

Yorke Oo Ku Eedeeyay Ferguson Sababta Uu Uga Tegay Man. United

Inzaghi oo dhaliyay Gool Ay AC Milan Aad Ugu Faraxday


BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Masar Iyo Liibiya, Haddii Aanay Lugooyo Mooyee Libin Soo Wadin, Maxaa Looga Maarmi Waayay

"Imaatinka weftigani waxa uu ka dambeeyey warqad uu hore Madaxweynaha Somaliland ugu diray hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al-qadaafi, warqadaas oo la sii mariyey danjire Mactuuq" sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed maalintii Sabtidii ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Warsaxaafadeedkaa oo ay baahisay saxaafadda Somaliland waxa uu tilmaan ka bixinayey ujeedada socdaalka weftiga Liibiya ee toddobaadkan booshada ku yimi Somaliland.

Weftiga Liibiya waxa hogaaminayey danjire Mactuuq oo ah ninka dawladda Liibiya u fadhiya Muqdisho ka hor intii aanay Somaliland ka dhoofin waraysi uu danjire Mactuuq Axaddii toddobaadkan siiyey weriyaha BBC-da u jooga Somaliland, Axmed Siciid Cige waxa uu ku sheegay inuu Madaxweyne Rayaale codsaday inuu booqasho ku tago dalka Liibiya si uu ula kulmo hogaamiyaha Liibiya, Mucamar Al-qadaafi.

Dhinaca kalena inkasta oo uu warsaxaafadeed madaxtooyada Somaliland ka soo baxay taa beeniyey, hadana intii ka dambaysay imaatinkii weftiga reer Liibiya waxa jiray warar tibaaxaya inuu Madaxweyne Rayaale booqan doono Liibiya hadii laga aqbalo martiqaadka uu danjire MACTUUQ sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland dalbaday.

Laakiin danjire Mactuuq waxa uu sheegay inaanay dawladda Liibiya marna ka caajisayn baadigoobka ay ugu jirto midnimo Somaliweyn, isla markaana waxa uu intaa ku daray inaanu socdaalkiisa Hargeysa waxba ka duwanayn socdaalada uu ku tago Muqdisho iyo gobolada kale ee Somaliya, isaga oo sheegay inuu isla socdaalkiisan ku sii mari doono gobolo ka mid ah Somaliya.

Weedhaha uu danjire Mactuuq ku tiraabay ma aha wax cusub ee marar badan ayey diblomaasiyiinta Liibiya iyo kuwa Masaaridu ku celceliyeen inaanay marna ka caajisayn baadigoobkooda midnimo Somaliweyn, iyadoo ay dibloomaasiyiinta Liibiya iyo Masar marka ay dhamaystaan booqashadooda Somaliland ee ay dalalkooda dib ugu laabtaan madaxdooda iyo warbaahintoodaba ugu warama inay soo booqdeen gobolada waqooyiga Somaliya, taas oo macneheedu yahay inaanay hadda iyo mar dambe toona yiqiinsanayn qaddiyadda madax-banaanida Somaliland. Ta kale diblomaasiyiinta labadaa dal ee Somaliland booqashada ku yimaadaa waxay marar dhawr ah halkan (Somaliland) kaga bishaareeyeen inay Somaliland ka fulin doonaan mashaariic tiro badan isla markaana ay dalka barwaaqayn doonaan, laakiin taasi meelna uma dhaafto dibnaha ay ka soo yeedhay. Sidoo kale waxay dad badani aaminsan yihiin inay safarrada diblomaasiyiinta Liibiya iyo Masaaradu had iyo goor ku soo beegmaan marka ay dhinaca Somaliland ka dareemaan waxoogaa horumar ah oo dhinaca siyaasadda ama dhinacyada kaleba, ka dibna ay ujeedada socdaalkoodu tahay inay wax kala qubaan, iyadoo la ogyahay inay dawladaha liibiya iyo Masaaridu safka hore kaga jiraan dawladaha beerka kaga taagan aqoonsiga iyo qadiyadda madax-banaanida Somaliland.

Sida la ogyahay hogaamiyaha Liibiya, Mucamar Al-qadaafi waxa uu muddo dheer ku riyoonayey sidii uu u heli lahaa dawlad midaysa dunida Carabta, laakiin waqti aan fogayn ayuu taa iskaga hadhay, ka dib markii uu arkay inaan riyadiisa midnimo Carbeed waxb ka soo naasa caddayn. Hase yeeshee hogaamiyaha Liibiya wuxuu mar kale ku riyooday inuu ka shaqeeyo midnimo Afrika, taas oo uu hadda si weyn ugu ololeeyo.

Iska dhaaf Somaliland oo hogaamiyaha Liibiya wuxuu u muuqdaa nin gebi ahaan-ba ka soo horjeeda inay ummad ka mid ah ummadaha dunidu madax-banaani wax la yidhaahdo qaataan ama ay aayahooda ka tashadaan, taasna waxa tusaale ugu fillan aragtida uu ka qabo qadiyadda Jeejiniya, taas oo uu maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo iftiiminaya mawqifkiisa Jeejniya uu ku tiraabay inuu u arko inay Jeejniya ka mid ahaato Raashiya.
Mar hadii ay aragtida Liibiya caynkaa tahay waxay su’aasha meesha taal tahay miyey Somaliland wax dan ah u haysaa.

Ciddii wax dan ah ogi iyadaa sheegi, laakiin jawaabtu waa maya, markaa hadii ay sidaa tahay maxay inagu soo cel-celinaya diblomaasiyiinta Liibiya iyo Masar ee inagu soo tooradhablaynaya, maxayse ka wada hadlaan madaxda Somaliland iyo diblomaasiyiintaasi.

Jawaabta kama dambaysta ah waxaynu u daynaynaa madaxda Somaliland, laakiin waxaynu odhan karnaa dhawr arimood midkood ayaa meesha ku jira, kuwaas oo kala ah: Inay labada qolo (Madaxda Somaliland & diblomaasiyiinta) been isu sheegayaan ama madaxda Somaliland dadkooda been u sheegayaan oo ay kala duwan yihiin waxa ay ku wada hadlaan marka ay aqalada hoostooda ku shirayaan iyo waxa dadweynaha loo so gudbiyo marka ay shirarku dhamaadaan iyo ta saddexaad oo noqon karto inay diblomaasiyiinta Masar iyo Liibiya maalin-ba saac meel ka tusaan madaxda Somaliland, sidaa darteed ay xaaladeenu tahay "Adhi daasad kama ilbaxo."

Soo noqnoshada diblomaasiyiinta Liibiya iyo Masar ay ku soo noqnonayaan Somaliland way iska caddahay inay ujeedadooda ugu weyni tahay sidii ay u majarahabaabin lahaayeen qaddiyadda madax-banaanida Somaliland, uguna dhextuuri lahaayeen kooxaha Somaliya ku hirdamaya. Sidaa darteed waxay iswaydiintu waxay tahay , madaxda Somaliland marka hore miyaanay maqlayn badheedhaha diidmada ah ee ay dawladaha labadaa dal ka taagan yihiin qadiyadda madax-banaanida Somaliland, mise raali ayey ka yihiin. Sidoo kale miyaanay fahamsanayn lugooyada ku sugan imaatinka wufuudda Liibiya iyo Masar ee ku soo tooradhablaynaya Somaliland, mise wax kala jira.

Si kastaba wax haw jireene waxa madaxda Somaliland looga fadhiyaa inay daboolka ka qaadaan maslaxadda ku jirta imaatinka diblomaasiyiinta Liibiya iyo Masar, hadii kale madaxda Somaliland waa inay tafsiir ka bixiyaan sababta ay mawqif cad uga qaadan waayeen socdaalada iyo weedhaha diblomaasiyiintaa ooo dad badan ugu muuqda inay waxyeelo iyo dhegxumo ku yihiin qaddiyadda madax-banaanida Somaliland, sidaa darteed laga maarmo, iyadoo ay su’aasha ugu dambaysa ee jawaabta u baahani tahay "Socdaalada diblomaasiyiinta Liibiya iyo Masar hadii aanay Lugooyo mooyee, libbin soo waddin maxaa looga maarmi waayey."

Top


Maamulka Cusub Ee Boorama Oo Xilkii La Wareegay Iyo G/Deegaanka Baki Oo La Dhaariyay

Boorama (Haatuf) Duqii hore ee Boorama Maxamed Muuse Bahdoon ayaa waxa uu shalay xilkii guddoomiyenimada degmada Boorama ku wareejiyey Duqa cusub Cabdiraxmaan sheekh Cumar ,halka guddoomiye ku xigeenkii hore Cissmaan Ibraahim Baxar uu xilkii ku wareejiyey Guddoomiye ku xigeenka cusub Cabdilaahi Cali Cooffle.Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay goob joog ka ahaayeen Saaraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha, Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi ,xubnaha Guddiga deegaanka Boorama iyo marti sharaf kale.

khudbado lagasoo jeediyey munaasabaddan xil wareejinta ayaa waxa masuuliyiinta dawladda iyo marti sharatuba ka hadleen wixii uu soo qaabtay maamulkii hore iyo waxa laga sugayo maamulka cusub ,iyo sida ay maanta yihiin, xaaladaha nabadgelyada dakhli ururinta, shaqaalaha dawladda hoose iyo isku xidhnaanta maamulka dawladda iyo sidii looga hortegi lahaa wax kasta oo waxu dhimaya middnimada shacbiga sidii la iskaga ilaalin lahaa, dadweynaha magaaladuna ugala qaban lahaayeen maamulka cusub.

Dhinaca kale Munaasabad lagu dhaarinayey 13 xubnood oo kusoo baxay doorashooyinkii golaha deegaanka degmada Baki oo katirsan gobolka Awdal isla markaana lagu dooranayey gudoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka guddigaasi ayaa shalay lagu qabtay degmada Baki . Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar, xubnahan saddex iyo tobanka ah oo dhammaantood kasoo baxay ururada siyaasiga ah ee mucaaradka ah ayaa munaaasabaddii lagu dhaarinayey waxa kasoo qaybgalay qaar ka tirsan maamulka laamaha dawladda oo ay soo wakiisheen madaxdooda heer gobol kuwaasoo kala ahaa taliyaha booliska ee degmadaasi Maxamed Cilmi Warsame,Xoghayaha Fulinta ee maamulka Muuse Iidle, guddoomiyaha maxkamadda Degmada Baki Sheekh Xuseen Cabdilaaahi, iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka degmada Baki Cilmi Kaamil dhinbiil,madaxdhaqamedyo iyo martisharaf kale.Munaasabaddan ayaa guddigaasi deegaanka ahiwaxay dhammaantood ku dhaarteen kitaabka quraanka kariimka ah iyagoo ku dhawaaqayey inay dalkooda, diintooda iyo deegaankooda daacad u yihiin. Waxa kale oo isla shalay lagu magacaabay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baki oo kala ah Barre Jaamac Yuusuf Guddoomiye, iyo Xuseen Muxumed Geelle guddomiye ku xigeen kaddib markii loo qaaday codbixin gacantaag ahayd.Barre Jaamac waxa u codeeyey 12kii xubnood ee kale halka jagada guddoomiye ku xigeenkana uu helay 7 cod waxana jagadaasi u sharraxnaa saddex xubnood ooisla guddiga ah halka guddoomiyaha anay jirin cid la tartamaysay.Dhaartan iyo u codeynta guddoomiyeha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhammaantood ka tirsan afar urursiyaasadeed oo kala ah:

KULMIYE, UCID, SAHAN IYO HORMOOD ayaa waxay soo afjartay khilaaaf laga baqayey inuu soo dhex galo dhismaha maamulka degmadaasi Madax dhaqameedyo ka hadlay munaasabaddasi gebogebodeedii ayaa dhammaantood waxay iska daba mareen in faragelin kaga timaadda urursiyaasadeedka UDUB ama dawladdu aanay u suurtageliseen dhismaha maamulkan oo la filayo inuu xilka la wareego 5ta bisha

Top


Ururka SSJW Ee S/land Oo Bixinaya Tabobar Saxaafadeed

Hargeysa (Haatuf): Ururka Suxufiyiinta iyo qorayaasha Somaliland (Somaliland Society For Journalists and Writers), oo 15 December 2002 lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa ayaa shalay sheegay inuu bishan gudaheeda barnaamij tabobar xirfadeed iyo aqoon-korodhsi ah u bilaabi doono koox suxufiyiin ah oo ururka xubno ka ah.

Sida uu noo sheegay xoghayaha ururka SSWJ, Carraale Maxamuud Jaamac ujeedada tabobarkani waxay tahay mid la doonayo in aqoonta saxaafadeed ee ka qaybgalayaasha kor loogu qaado, waxaana ka mid ah mawaadiicda tabobarka lagu qaadanayo sida loo soo ururiyo xogta warka, diyaarinta iyo isku-dubaridka wararka iyo maqaalada.

Mr. Carraale waxa kale oo uu intaa ku daray in tabobarkan ay fulin doonaan suxufiyiin reer Somaliland ah oo aqoon fiican iyo waayo-aragnimo u leh mihnadda saxaafadda. Isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi, "Barnaamijkan waxa la bilaabi doonaa February 15, 2003, waxaanay noqon doontaa markii u horaysay ee Somaliland uu ka hirgalo tabobar saxaafadeed oo ay soo diyaariyeen isla markaana hirgeliyeen suxufiyiin reer Somaliland ahi."

Mr. Carraale wuxuu sheegay in ururka SSJW uu ku gudo-jiro diyaarinta barnaamijyo waxbarasho oo gudo iyo dibadba leh oo loogu talogalay inay ka faa’iidaystaan xubnaha ururku isla markaana uu ururku mudadii yarayd ee uu jiray xidhiidh la sameeyay ururo saxaafadeed iyo hay’ado caalamiya, kuwaas oo soo dhaweeyay in is-kaashi dhexmaro iyaga iyo ururka SSJW.

Top


Iskuulka Dhismihiisa La Horjoogsaday Iyo Cabashada Degaanka Masallaha

Hargeysa (Haatuf): "Xaafadda Masalaha waxa ku nool inka badan 300 oo arday, laakiin xaafaddu malaha wax iskuulo, markii aanu helay cid iskuulo noo dhistana dhulkii iskuulka loo oqrdheeyey ayaa la sheegtay" sidaa waxa yidhi gudoomiyaha xaafadda Masalaha ee duleedka madaarka Hargeysa.

Dadka ku dhaqan xaafadda Masalaha waxay si ba’an uga cawdeen iskuul la doonayey in laga dhiso xaafaddaa, laakiin dhismihiisa la horjoogsaday, iyadoo la sheegay inay bogcaddaa sheegteen dad gaar ahi, taasina ay keentay buuq iyo iska hor-imaad gacan ka hadal ku dhowaaday.
Kulan saxaafadeed ay duqayd iyo wax garadka xaafadaasi toddobaadkan ku qabteen hudheel ku yaal xaafadooda ayey aad ugaga hadleen iskuulkaa, iyaga oo dalbaday in wax laga qabto dadka qabsaday dhismihii iskuulka, isla markaana waxay si ba’an farta ugu fiiqeen duruufta iskuulo la’aanta ee haysata.

"Ilaa 1978-kii waxaanu u halgamaynay sidii aanu iskuulo u heli lahayn, laakiin maanta markii aanu helay ayaa nalagu qabsaday, markaa waxaanu leenahay waa in dhul-boobka wax laga qabtaa"ayey yidhaahdeen, waxayna arintaa ku eedeeyeen maamulka dawladda hoose iyo weliba cidda dhulkaa sheegatay oo ay sheegeen inay qaarkood yihiin niman madax-dhaqameedyo ah.

"Caruurta xaafadda Masaluhu waxay doonayaan iskuulo iyo biyo, laakiin dantii guud waxa laga horaysiinayaa baloodh la boobo, ninkii jagada iskuulka bixiyeyna xabsiga ayaa loo taxaabay" sidaa waxa yidhi, Cabdi Aw-Maxamuud oo ka mid ah odayaasha xaafadda Masalaha. Sidoo kale waxa isna madashaa ka hadlay Maxamed Baaruud , wuxuuna yidhi, "Waxa wax boobaya dad masuuliyiin ah, waxaanuna dawladda ka codsanaynaa inay arintaa wax ka qabtaan."

Sidaa ay sheegeen odayaasha xaafadda Malaha ninka bixiyey bogcadda la doonayey in laga dhiso iskuulka waxa magaciisa la yidhaahdaa Maxamed C/laahi Fadal, wuxuuna hadda ku xidhan yahay xabsiga dhexe, iyaga oo sheegay inay aad uga xun yihiin xadhigiisa.

Xaafadda Masalaha inkasta oo ay hadda ku noolyihiin dad badani, hadana malaha iskuulo, xarun caafimaad iyo goobo kale oo adeeg toona, waxayna dadka xaafadaasi aad uga cawdeen arintaa. Ta kale waxay dadka xaafadaasi aad uga digeen inay dad gaar ahi sheegtaan ama hungureeyaan dhulka iskuulka la siiyey, iyaga oo markii ay cidda dhulka iskuulka haysata ka hadlayeen farta ku fiiqay niman hogaamiye-dhaqameedyo ah oo aanay magacyadooda xusin iyo weliba madaxda dawladda hoose oo ay ku eedaynayaan inay leeyihiin masuuliyadda bixinta dhulka iskuulka.

Sida ay sheegeen odayaasha xaafadaasi hayad samafal ah ayaa doonaysa inay dhismaha iskuulkaa ka caawiso dadka xaafaddaa, laakiin markii ay sheekada dhismuhu soo if-baxday ayey xiisaddu ka aloosantay, iyadoo uu muranku hadda u dhexeeyo dadka xaafadda ku dhaqan iyo cidda dhulkaa sheeganaysa. Run ahaantiina xaafadda Masalaha oo ku taal koone ka durugsan magaalo-weynta, isla markaana ay waqtigan xaadirka ah ku dhaqan yihiin dad fara badani waxa haysata dhibaato iskuulo la’aan ah, waxayna taasi sababtay inay inta badan caruurta xaafaddaasi iskuulo la’aan ku dhacdo, ka dib markii ay awoodi waayeen inay u socdaalaan iskuulada magaalada ee ku yaal meelaha xaafadooda ka dururgsan.

Top


Madaxtooyada Somaliland Oo Beenisay In Madaxweyne Rayaale Uu Booqanayo Dalka Liibiya

Hargeysa (Haatuf) "Ma jirto codsi booqasho ah oo uu madaxweynuhu kaga codsaday hogaamiyaha Liibiya sida BBC-da ay ku sheegtay waraysi gaar ah oo ay la yeelatay danjiraha Liibiya ee Muqdisho". Sidaa waxa yidhi warsaxaafadeed ay madaxtooyada Somaliland soo saartay shalay oo uu ku saxeexanyahay afhayeenka Madaxtooyadu Cabdi Idiris Ducaale. Isla markaana lagu beeninayo waraysi ay weftigii Liibiya ee la kulmay Madaxweyne Rayaale siiyeen idaacada BBC-da ka hor intii aanay dalka ka dhoofin.

Warsaxaafadeedka waxaa kale oo uu sheegay in Danjiraha Liibiya socdaalkii hore ee uu halkan ku yimid uu af ahaan ku sheegay inuu martiqaad ka sido hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, laakiin wuxuu warsaxaafadeedku xusay in loogu jawaabay in hawlo doorashooyin ka mid yihiin lagu jiro.

Sidaa awgeed aanay hadda macquul ahayn, hase yeeshee wuxuu warsaxaafadeedku sheegay in socdaalkiisii uu martiqaad qoraal ah keenay, isla markaana loogu jawaabay "anaga ayaa ka soo jawaabi doona waqtiga ay haboonaato."

Top


"Xisbiga UDUB Xaq Buu U Leeyahay Inuu Kala Saaro Musharaxiintiisa Golayaasha Deegaanka"

Shir-Jaraa’id --- Afhayeenka Xusbiga UDUB

Hargeysa (Haatuf) Barqanimadii shalay ayuu xarunta xisbiga UDUB ee Hargeysa uu shir jaraa’id ku qabtay Axmed Xaashi Cabdii oo ah afhayeenka xisbiga UDUB, isagoo sheegay in uu shirkaa jaraa’id u qabtay dhawr arrimood oo ay ka mid tahay in la wargaliyo bahwayntii taageerayaasha xisbiga UDUB ee codkooda siiyay, haddana uu xisbiga UDUB rajaynayo in ay codkooda siiyaan doorashooyinka soo socda.

Qodobka labaad ee ujeedada shirka jaraa’id ee afhayeenka xisbiga UDUB Axmed Xaashi ee shalay waxaya ahayd sida uu sheegay in uu jawaab ka bixiyo eedaymo saxaafada ku qoreen xisbiyo kale oo ku saabsan sidii uu xisbigoodu u waajahay xulashadii maayarada iyo maayar ku xigeenada ee golayaasha deegaanka ee la doortay, Axmed Xaashi wuxuu arrintaa ka yidhi "Xisbiga UDUB xaq ayuu u leeyahay inuu kala saaro musharaxiintiisa" isagoo hadalkiisa sii wata Axmed Xaashi wuxuu sheegay in xisbiga UDUB uu ku hawlgalay barnaamij uu kaga hawlgalay degmooyinka si uu u soo saaro 2 xubnood oo xisbigooda ah oo kala ah maayar iyo maayar ku xigeen, taasoo ay ku kala saarayeen musharaxiintooda degmooyinka uu xisbigu UDUB aqlabiyada ka helay xubnaha deegaanka.

Afhayeenka xisbiga UDUB waxaa kale oo uu ku sheegay waxaan dhicin, oo aan run ahayn eedayntii ay xisbiyada qaar uga soo jeediyeen xisbiga UDUB ee ahayd inay qaab khaldan isticmaaleen si ay u soo saaraan xubnaha UDUB ee jagooyinka Maayarka iyo maayar ku xigeenka.

Axmed Xaashi Cabdi wuxuu sheegay in qodobka 6aad xarafkiisa (T) ee xeerka doorashooyinka goboladu uu fasaxayo in xisbiga uu kala reebo musharaxiintiisa, iyo in xubnaha ku soo baxay golayaasha deegaanka ee magaca xisbiga UDUB uu xisbigaasi ka hawlgalay sidii ay ugu dhaqmi lahaayeen waajibaadka iyo xilka ku xusan qodobka 17aad ee xeerka doorashooyinka gobolada oo la doonayo in xubnahaasu hogaansamaan.

Afhayeenka UDUB wuxuu shirkaa kaga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen saxaafadu oo ku saabsanaa kaalinta ay UDUB ku leeyihiin masuuliyiinta haya xilalka dawladda Somaliland iyo dhaqaale ka soo gala xisbiga UDUB dhinacaa, waxaanu sheegay Axmed Xaashi in gudiga fulinta ee xisbiga UDUB oo ah (19) xubnood ay laba xubnood oo qudha ahi ka hayaan xilalka dawladda, labadaas xubnood oo kala ah gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka, iyo in labadaas xubnood ay inta badan ku hawlan yihiin, xilalaka ay u hayaan dawladda oo uu hawl maalmeedka xisbiga intiisa badan uu qabto xoghayaha guud ee xisbiga.

Axmed Xaashii wuxuu kale oo uu sheegay in muwaadin kastaa uu xaq u leeyahay in loo doorto golaha deegaanka iyo masuuliyadaha maayarka iyo maayar ku xigenka oo aan xaq loogu lahayn in la xusi cida ay ehel yihiin ee xil ka haysa dawladda, waxase uu sheegay in lagu xuli karo qofka aqoontiisa.

Top


Hoggaamiye-Kooxeedyada Somaliya Iyo Dhaqdhaqaaqa Is-Xulafaysiga Cusub

Hargeysa (Haatuf): Hogaamiyaha maamulkaMuqdisho ee kooxda loo yaqaan Carta, C/qaasin Salaad Xasan ayaa shalay caasimadda dala Itoobiya ee Adis-ababa, waxayna wararku sheegeen inuu ka qayb geli doono shirka madaxda Midowga Afrika shalay uga furmay Addis Ababa.

Sidoo kale waxay warar xog-ogaal ah ayaa tibaaxay inuu C/laahi Yuusuf isna iman doono magaalada Addis Ababa, iyadoo ay wararka qaar leeyihiin C/laahi Yuusuf wuu ku sugan yahay Addis Ababa, laakiin taa lama xaqiijin.

Marka laga yimaado shirka madaxda midowga Afrika ee la sheegay inuu C/Qaasim ka qayb galayo waxa kale oo iyaguna jira warar kale oo tibaaxaya inay C/Qaasim iyo C/laahi Yuusuf ku kulmi doonaan Addis Ababa, iyadoo sida la sheegay ay yeelan doonaan wada hadalo la xidhiidha sidii ay samaysan lahaayeen xulfi cusub oo siyaasadeed, taas oo la leeyahay waxay ka wada hadli doonaan sidii ay u qaybsan lahaayeen awoodaha maamul ee dawladda la naawilayo in lagu sameeyo shirka magaalada Eldoret ee dalka Kenya uga socda kooxaha Soomaaliya.

Inkasta oo aanay jirin warar si rasmi ah daboolka uga qaaday xidhiidhka iyo waan-waanta la sheegay inay u socdaan C/Qaasim iyo C/laahi Yuusuf, haddana waxa jira tibaaxo iyo dhaqdhaqaaqyo farta ku fiiqaya inay labadaa nin mudooyinkan danbe isku soo dhawaadeen.

Idaacad ku taala magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Soomaaliya oo ku hadasha afka maamulka C/laahi Yuusuf ayaa wararkeedii shalay markii u horeysay C/Qaasim Salaad ugu yeedhay madaxweynaha dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, iyadoo markaa sheegaysay war ku saabsan socdaalka C/Qaasim ee Itoobiya, laakiin Idaacadda Gaalkacayo hore loogama baran inay C/Qaasim ku tilmaamanto madaxweynaha dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, taasina waxay u muuqanaysaa inay wax wayni iska bedeleen colaadii siyaasadeed ee ka dhex oognayd C/laahi Yuusuf iyo C/Qaasim Salaad, iyadoo uu C/laahi Yuusuf ka mid ahaa ragga safka hore ku jira ee sida ba’an ugu darbanaa la dagaalanka maamulka C/Qaasim.

Dareemada kale ee muujinaya inay C/laahi Yuusuf iyo C/Qaasim isku soo dhawaadeen, xidhiidhana u socdaan waxaa ka mid ah cadho laga dareemay ninka Ra’iisal wasaaraha ka ah maamulka C/Qaasim ee magaciisa la yidhaahdo Xasan Abshir Faarax, taas oo ay wararka qaar tibaaxeen inuu Xasan Abshir xidhiidh la sameeyay General Cadde Muuse oo ah ninka hogaamiya mucaaradka hubaysan ee ka horjeeda C/laahi Yuusuf.

Waxa kale oo ay warar Garoowe ka soo baxay tibaaxeen inay labadii maalmood ee u dambeeyay shir fooda iskula jireen maamulayaasha C/laahi Yuusuf ee fadhigoodu yahay magaalada Garoowe, kuwaas oo la rumaysanyahay inay kulankooda ku lafo gurayaan xaalada cusub ee ku soo korodhay C/laahi Yuusuf iyo maamulkiisa.

Arrimaha caynkaas ahi waxay u muuqdaan xulafaysi cusub oo ay isugu dhawaanayaan rag awal siyaasada col ku ahaa, isla markaana ay ku kala boodayaan rag siyaasada saaxiib ku ahaa, taas oo laga yaabo inay jawi cusub ku soo kordhiso xaalada siyaasadeed ee hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliya.

Arrinta kale ee la isweydiinayaa waxay tahay haddii ay C/laahi Yuusuf iyo C/Qaasim isku soo dhawaadaan, heshiisna dhexmaro saamayn intee le’eg ayay ku yeelanaysaa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee C/laahi Yuusuf, waayo C/Qaasim waxa weeye nin ay dawladda Itoobiya iyo dawladaha reer galbeedku sas ka qabaan, iyaga oo had goor ku eedeeya inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha muslimiinta mayalka adag ee ay dawladaha reer galbeedku ugu yeedhaan argagixiso, halka uu C/laahi Yuusuf-na yahay nin xidhiidh dhaw la leh dawladda Itoobiya, hase yeeshee diblomaasiyiin Addis Ababa jooga ayaa u arka in haddii ay C/laahi Yuusuf iyo C/Qaasim ay Addis Ababa ku heshiiyaan ay taasi u muuqan karto inay wax iska badeleen mawqifkii hore ee C/Qaasim Salaad Xasan iyo siyaasadihii uu ku dhaqmi jiray, waayo C/Qaasim waxa lagu yiqiin nin had iyo jeer cambaarayn la daba jooga dawladda Itoobiya iyo kooxaha Soomaaliya ee xidhiidhka la leh dawladda Itoobiya sida C/laahi Yuusuf.

Inkasta oo uu C/laahi Yuusuf beeniyay, haddana waxa hore u soo baxay inay xidhiidho dhexmareen labadan nin (C/laahi iyo C/Qaasim) taas oo qoraalo ay isu direen lagu baahiyay bogaga Internet-ka, wuxuuna nuxurka qoraaladaasi xambaarsanaa sidii ay ugu bahoobi lahaayeen qaybsiga awoodaha dawladda la filayo in loo sameeyo Soomaaliya.

Dhinaca kale warar ka soo yeedhay dhinaca magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in shalay dagaal ka dhacay meel dhinaca Koonfureed ka xigta Gaalkacayo, dagaalkaas oo aan la sheegin khasaarihiisa waxa la sheegay inay ciidamada C/laahi Yuusuf ku qaadeen kooxo la tuhunsanyahay inay ka mid yihiin mucaaradka ka horjeeda C/laahi Yuusuf.

Sidoo kale waxay wararka Gaalkacayo intaa ku dareen inay isla shalay laba diyaaradood dib uga laabteen madaarka Gaalkacayo, ka dib markii ay rasaas ku fureen dablay ka soo jeeda deegaamada dhinaca koonfureed ee magaalada Gaalkacayo, oo ay ku dhaqan yihiin beelaha taageera hogaamiye kooxeedyada Cismaan Caato iyo Xuseen Caydiid, sida la sheegayna labadaa diyaaradood mid ka mid ah waxa saarnaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Garoowe Axmed Cabdi Xaashi.

Lama garanayo sababta ay dablaydaasu u rasaaseeyeen diyaaradahaa laakiin waxa laga dareen qabaa inay arrintaasi xidhiidh la leedahay dhaqdhaqaaqyada xulafaysiga cusub ah ee hadda u socda qaar ka mid ah hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliya, taas oo ay C/laahi Yuusuf iyo Cismaan Caato oo ay dadkoodu wada degaan deegaamada Gaalkacayo hadda siyaasada iskaga soo horjeedaan. 

Top


Wararka Dibadda 

Shir-madaxeed u furmay Midowga Afrika

Addis Ababa (Haatuf):- Shir-madaxeed aan caadi ahayn oo ay ku kulmeen Madaxda ururka cusub ee midnimada Africa (AU) ayaa maalintii shalay ka furmay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Shir-madaxeedkan oo ah kii ugu horreeyay ee ururku yeesho tan iyo markii sannadkii hore ururka si rasmi ah loogaga dhawaaqay dalka Koonfur Afrika, waxa ka soo qaybgalay in ka badan 30 ka mid ah Madaxda iyo hoggaamiyeyaasha Afrika, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah. Arrimaha ugu waaweyn ee uu shirku gorfaynayo muddada uu socdo waxaa ka mid ah dhammaystirka qaab-dhismeedka ururka cusub, sida hay’adihiisa fulinta iyo samaynta Baarlamaan ay yeeshaan dalalka Afrika. Waxa kaloo laga wada-hadlayaa awoodaha uu yeelanayo guddoomiyaha ururkaasi iyo samaynta ciidan midaysan oo ka dhaxeeya dalalka Afrika, qorshahaas oo uu soo jeediyay dalka Liibiya, sidoo kale waxay Madaxda Afrika isla eegi doonaan xallinta mushkiladda ka taagan Ivory Coast iyo mawqifka ay dalalka Afrika iska taagayaan muranka u dhaxeeya Maraykanka iyo Ciraaq.

Shir-madaxeedka kahor waxaa wasiirada arrimaha dibeddu ee Afrika ay soo dhammaystireen soo-jeedimo ay ugu talo-galeen inay go’aan ka gaadhaan Madaxda Afrika kuwaas oo koobaya dhammaan shuruucda iyo xeerarka AU-da.

Waa markii ugu horraysay ee ay dalalka Africa madaxdoodu ku kulmaan Addis Ababa tan iyo 1995-kii, markaas oo uu Madaxweynaha Masaaridu ka badbaaday shir-qool la doonayay in lagu dilo. Madaxda shirka ka soo qaybgashay waxa ka mid ah Madaxweynaha dalka Eriteriya Issayas Afa-werqe oo ay dalka Itoobiya colaad xumi ay ka dhaxayso. Waxa kaloo ka mid ah C/qaasim Salaad Xasan oo metelaya Dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, inkasta oo aan ka qaybgalkiisa sida la sheegay aan la isku wada raacsanayn, isla markaana aanay Itoobiya aqoonsanayn maamulkiisa.

Top


Ra’iisal-Wasaaraha Israel Oo Dedaal Ugu Jira Dhismaha Xukuumaddiisa Cusub

Tel Aviv (W.Wararka) - Ra’iisal-wasaaraha dhowaanta dib loo doortay ee Israel, Ariel Sharon, ayaa dedaal ugu jira inuu soo dhiso dawlad loo dhan yahay kadib markii uu dhowaan ku guulaystay doorashooyinkii dalkaas ka dhacay. Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Israel, Amraan Mutasaaniaya ku gacan-saydhay inuu xisbigiisu ka qaybqaato Dawladda loo dhan yahay ee uu dhisayo Ariel Sharon, taas oo dhirbaaxo ku ah dedaalka uu Ariel Sharon arrintaas ugu jiro. Taasi waxay ku keliftay Ariel Sharon inuu wada-hadal la bilaabo Axsaabta kale ee kuraasida ka helay Baarlamaanka dalkaas si ay uga qaybqaataan dawladdiisa, balse ilaa iyo hadda taasi kumuu guulaysan.

Sida uu dhigayo dastuurka dalkaasi, Ariel Sharon waxa uu haystaa muddo 42 cisho ah inuu ku soo dhiso dawladdiisa si loogu ansixiyo.

Top


Faransiiska Oo Sheegay Inuu Dhexdhexaad Ka Yahay Xaaladda Ciraaq

Paris (W.Wararka) - Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska Jan Pierre ayaa sheegay in dawladdiisu ay dhexdhexaad ka tahay muranka ku saabsan dalka Ciraaq.

Ra’iisal-wasaaruhu wuxuu sidaa ku sheegay maalintii shalay waraysi lala yeeshay isagoo ku sugan caasimadda Hindiya ee New Delhi, isagoo ka digay dhibaatada ka iman karta haddii la isku dayo in mushkiladda lagu xalliyo si xoog ah. Mr. Jan wuxuu intaa ku daray in aan la hubin wax ka dhalan kara dagaal dhaca, taas oo uu meesha ka saaray inuu u dhaco si lama filaan ah. "Dagaalku waxa uu leeyahay saamayn khatar ah marka loo eego Bariga Dhexe oo markiisa horeba aan deganayn, taas oo ay soo raacdo isku-dheeli-tirnaan la’aanta quwadaha adduunka, taas oo halis ku ah nabadgelyada Caalamka," ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Faransiisku.

Isagoo intaa ku daray in dawladdiisu ka fiirsanayso cadaymaha uu Maraykanku sheegay inuu u hayo eedaymihiisa ku wajahan Ciraaq, markaas oo ay mawqif sugan ka qaadan doonaan. Hadallada Ra’iisal-wasaaruhu waxay ku soo beegmeen iyadoo Dawladda Faransiisku ay si xoog leh u diidan tahay weerar lagu qaado Ciraaq. Dhinaca kale, dawladda Ciraaq ayaa muddo go’an u qabatay Diyaaradaha wax basaasa ee Maraykanku hawlgalkooda ay ka wadaan hawada Ciraaq.

Ra’iisal-wasaare ku xigeenka Ciraaq, Daariq Casiis oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay inay dawladdiisu go’aansatay inay xad u samayso Duulimaadyada ay Diyaaradaha Ingiriiska iyo Maraykanku ka wadaan dalkooda, ilaa inta Golaha Ammaanku ka soo saarayo go’aan kama-dambays ah.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 80aad

Mingistu: Birhaanu Masqal waxa uu dhigan jiray jaamacado, laakiin inta iska joojiyey jaamacaddii uu dhiganayey ayuu noloshiisa oo dhan dhinaca siyaasadda u leexiyey, laakiin mawqifka uu qaatay ama sitay inuu daacad u ahaa iyo inkale ma garanayo, sidoo kale ma garran karo inuu ahaa nin kacaan yahan ah oo uu dagaalkiisu ku salaysnaa dareen qaranimo. Ta kale hawlihiii uu socod siin jiray iyo hawlihii dhinaca kale u socday midka uu run ahaan aaminsan yahay ma garanayo, sidoo kale ma garanayo inuu ahaa nin isbedel doonaya iyo inuu ahaa nin daacad u ah habkii isbedel diidka ahaa ee ay qolooyinkii kale wadeen, laakiin taas runteeda aynu u dayno taariikhda, waayo anigu xaqiiqdeeda waxba kama sheegi karo. Hase yeeshee niman ay saaxiibo ahaayeen Birhaanu Masqal, weliba kuwii ugu dhodhowaa ahaa oo aanu is niqiinay ayaa ii sheegay inuu ahaa nin mawqifkiisa ku qanacsan oo weliba geesi ah.

Anigu (Mingistu) shakhsiyaad ka mid ah ururkii aadka loo buunbuuniyey ee IHABA la odhan jiray, weliba xubnihii lagu tilmaami jiray inay ururkaa darawaliyaan ayaan marar waraaqo u diri jiray, isla markaana waxaan isku deyey inaan si khaas ah ula kulmo nimankaa aan waraaqaha u qori jiray, laakiin Birhaanu Masqal waxa uu ka mid ahaa raggii aan waraaqaha u qori jiray, xiligaa aan waraaqaha u qorayna Birhaanu Masqal waxa uu joogay gobolka Tigraay.

Ganat: Birhaanu Masqal isaga ma waraaq baad u qortay?

Mingistu: Haa, waxaan u diray waraaq aan gacantayda ku qoray.

Ganat: Maxaad ku tidhi oo aad waraaqda aad u dirtay ugu qortay?

Mingistu: Ujeedadaydu waxay ahayd inaan ku idhaahdo kooxda kacaanka ku soo biir, sidaa darteed markii aan waraaqda u diray waxaan ku idhi "Kaalay adiga iyo axsaabtaaduba waad khaldanteene, waayo waqtigan noocan oo kale ah ee dahabiga ahi mar kale inama soo marayo (dib uma soo laabanayo), isla markaana maanta oo uu dalkayagu haysto kacaan noocan oo kale ah, taageerada intaa le’eg-na haysta kas gaabni ku lumin mayno halgankayaga, isla markaana caqli gaabni ururnimo iyo hab dagaal ah ma aha inuu sababo, sidoo kalena intii aanu ka qayb geli lahayn halgano aan loo baahnayn, isla markaana aad qaadataan rajo aan dhamaad lahayn, taasina ay keento inaynu iska hor-nimaadno oo is dhamayno aynu isu nimaadno oo inta aynu is aamino oo aynu isa soo horfadhiisano aynu wada tashano. Ta kale ciidan ahaan ma jiro ajande (Qorshe) gaar ah oo u qarsooni, sidaa darteed ciidan ahaan mawqifkayaga iyo ujeedadayadu waa mid aanu ugu gogol-xaadhayno sidii ay dadka rayidka ahi mustaqbalka xilalka u hanan lahaayeen, markaa barnaamijkayagu waa mid cad oo aan qarsoodi lahay, taasina waa mid aanu u taaganahay ilaa iyo marka u dambaysta ee ay neefsashadu naga go’ayso (Dhimashada)". Laakiin Birhaanu Masqal markii aan qoraalkaa u diray wax jawaab ah iguma uu soo celin ee wuu iga aamusay, balse waxa dhacday waraaqdii aan u qoray 1974-kii inuu Birhaanu Masqal jawaabteedii ii soo diray 1977-kii, xiligaasina waxa uu ahaa mar uu dhamaaday iska hor-imaadkayagii, isla markaana uu Birhaanu Masqal ka tegay ururkii IHABA, weliba waraaqdaasi waxay aniga I soo gaadhay markii Birhaanu Masqal dhintay ka dib.

Ganat: Birhaanu Masqal intii aanu geeriyoon ka hor maydaan kulmin miyaa?

Mingistu: Haa lama aan kulmin marna.

Ganat: Waxa la sheegay intii aanu dhiman ka hor in isaga oo doonaya inuu kula kulmo la dilay, taasi miyaanay jirin?

Mingistu: iyadoo sidaa la leeyahay waan maqlay, laakiin sidii aan horeba kuugu sheegay 1974-kii ayey ahayd markii aan waraaqda u qoray, isla markaana inay waraaqdaasi gaadhay iyo inkale waan hubiyey oo way gaadhay, balse ma jirto wax jawaab ah oo ii soo celiyey, waase laga yaabaa inay waraaq beri dambe ahi.

Ganat: Waraaqdaa ma waxa uu kuu soo diray isaga oo xabsiga ku jira?

Mingistu: Maya ee may ahayn ee waxay ahayd ka hor, markaa 1977-kii dhexdiisa ayey ii keeneen waraaq la yidhi waxa kuu soo qoray Birhaanu Masqal, wuxuuna qoraalkaasi ku qornaa waraaqo ilaa afar bog ah oo uu midabkoodu huruud yahay, waraaqahaasina waxay aniga I soo gaadheen markii uu dhintay ka dib.

Ganat: Waraaqaha ku soo gaadhay maxaa ku qornaa?

Mingistu: Birhaanu Masqal waxa uu ii soo qoray qoraal muujinaya, isaga oo aan qof daciif ah iska dhigin, isla markaana aan karaamadiisa hoos u dhigin, iskana dhigin qof iga hooseeya oo aan mudane iyo wax la mid ah toona igu odhan oo weliba is qaad-qaadaya, isla markaana muujinaya inuu yahay qof isku kalsoon ayuu ugu dambayntii qoraalkiisa ku soo khatimay ereyo odhanaya "Halay cafiyo". Sidaa darteed waxay ila tahay inuu ahaa nin ka xumaaday dhiigii daatay iyo xasuuqyadii dhacay iyo khaladaadkii ay IHABA samaysay. Dabadeedna markii ay waraaqdii uu ii soo diray I soo gaadhay geeridiisii ka dib aad baan uga xumaaday.

Ganat: Birhaanu Masqal kumaa dilay, yaase go’aamiyey in la dilo?

Mingistu: Anigu ma garanayo cidda dishay, isla markaana dawladdu gacan kuma lahayn dilkiisa...

La soco cadadka dambe.

Top


Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga 

Q: 4aad Qiso Dhab Ah - Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire

Xasan Olol Jaamac (ninka naagta jin guursaday oo ka sheekaynaya qisadii guurka ee dhexmartay naagta jin wuxuu yidhi "Markii ay salaaddii arooryo ahayd ayaan alaabtaydii oo masar weyn oo shaash leh laygu duubay dacalka qabsaday oo aan safar u diyaar garoobay, ka dibna waxaan u jeestay xagaa iyo Ceerigaabo, ma garanayo in cagaha wax lay geliyey iyo inkale, laakiin waxaan arkay aniga oo isla markiiba Ceerigaabo dhex-taagan, balse markiiba waxaan Ceerigaabo uga sii gudbay meeshii uu reerkayagu deganaa.

Sodogay iyo sodohday waxay hooyaday iyo aabahay iigu sii dhiibeen mid walba lacag gaar ah, taas oo ay aabahay iigu sii dhiibeen 5000 oo rubadood, halka ay hooyadayna iigu dhiibeen 3000 oo rubadood "rubaddu waa lacag xiliyadaa la isticmaali jiray", sidoo kale waxay iigu dhiibeen dhar wada xariir ah, anigana waxa lay sii siiyey 300 oo rubadood oo laygu yidhi Makhaaxiyaha iskaga ilaali, markii aan reerkayagii u tegay ee aan aabahay iyo hooyaday lacagihii iyo alaabooyinkii laygu soo dhiibay ayuu odaygii aabahay ee Olol Jaamac su’aalo ila daba galay, wuxuuna ugu horayn I waydiiyey "Waaryaa Xasan nimanka bad-mareenada ah ee badaha u shaqo taga, sannadaha badana ku maqnaada ayaan weligood 8000 oo rubadood kala imanine xagee baad xoolahan ka keentay". Laakiin ilayn waxaan ahay nin uu suldaankii la soo balamaye waxaan ku adkaystay oo aan idhi "Aabe sida aad ogtahay sigaar iyo qaad midna ma cuno, sidaa darteed wixii aan Berber ka shaqaystay meel baan ku urursanayey". 

Ta kale iyadoo uu odaygii aabahay la yaaban yahay shanta kun ee rubadood ayey islaantii hooyadayna odaydii indhaha kala hadashay oo ay ku tidhi "Anigana 3000 oo rubadood ayuu I siiyey", ka dibna odaygii baa yidhi "Ka waaweyni", marka ay sidaa is leeyihiin waxay moodayaan inaan lacagtan iyo dharkan soo xadday, dabadeedna odaygii aabahay wuxuu la hadlay islaantii hooyaday, wuxuuna ku yidhi "Eeyaa waa islaanta waxaad yeelaysaa shantan kun ee rubadood ee aan hayo iyo saddexda kun ee aad hayso waad isku daraysaa, ka dibna waxaad ku ridaysaa sanduuqaaga, laakiin dharka iska isticmaal". Odayga aabahay waxa uu ahaa oday caan ah oo la garanayo markaa waxa uu leeyahay wiilkayga Xasan hadii uu aduunkan soo xadday waa lay imanayaa, sidaa darteed wuxuu yidhi "hadii lay yimaado anigaa dharkaa bixin doona, laakiin islaan yahay dharkaa far ha saarin", ka dibna hooyaday hadalkii odayga ayey aqbashay, dabadeed markii aan reerkii dhawr habeen la joogay ayaa odaygii aabahay waxa u yimi nin faras wata oo Ceerigaabo laga soo diray, waxaana loogu yeedhay laba qolo oo uu kiis ka dhexeeyey, odayguna gartooda ku jiray. Laakiin odaygii wuxuu ninkii faraska watay ku yidhi "Orod iska tag berito ayaan ka soo daba baxayaaye", ka dibna ninkii wuu iska noqday, dabadeedna subaxnimadii dambe ayaan doaygii aabahay ku idhi "Aabe waan ku raacayaa", ina keen ayuu igu yidhi, waa tii qoladii igu yidhaahdeen hanaga sheekayn, laakiin wixii ay cagaha ii geliyeen markii aan ka imanayey ayey markii aanu dhaqaaq u diyaar garoobaynay cagaha noo gesheen, dabadeedna markiia aanu quraacanay ayaanu gurigii ka ambabaxnay, ka dibna halkii aanu Ceerigaabo ka tegi lahayn maqribkii ayaanu qadar saacad ah Ceerigaabo u sii soconay, dabadeedna markii aanu garoonka diyaaradaha Ceerigaabo maraynay ayuu odaygii aabahay igu yidhi "Waaryaa Xasan waa xagee meesha aynu maraynaa", markaas ayaan ku idhi "Waxaynu maraynaa garoonkii diyaaradaha Ceerigaabo", markaas ayuu hadana odaygi igu yidhi "waaryaa Xasan keenee lagu jiray oo wax siday", ka dibna odaygii wuxuuba ii aqoonsaday Awliyo, waxaanse ugu jawaabay "Aabe anigu inan yar baan ahaye maxaan qaadi karaa". laakiin hoosta ayaan ka cadhooday oo waxaan is idhi "Muxuu suldaankii kuu lahaa hanaga sheekayn hadii uu cagaha wax kuu gelinayo", waayo waan gartay in wixii maalintii hore cagaha lay soo geliyey, maantana naloo geliyey". 

Markii aanu magaaladii Ceerigaabo soo galay odaygii aabahay wuxuu fadhiistay maqaaxi, ka dibna odayaashii makhaayadda fadhiyey ayaa odaygii ku yidhi, "Waar Olol ma xalay baad soo guuraysay". Dabadeedna wuxuu ku yidhi, "Maya, wallee ee quraacdii ay islaantaydu saaka I soo siisay ayaan soo cunay."Ka dibna odayaashii ayaa aabahay ku yidhi, "Oo Olol baabuurna intaa kuma yimaado’e maxaa ku sidday", markaas ayuu ku yidhi, "Laftayda ayaa yaabban", hadana waxay odayaashii aabahay ku yidhaahdeen "Oo yaa kula socday", wuxuuna ku yidhi Wiilkaygii Xasan ayaa ila socday", hadana waxay odayaashii aabahay ku yidhaahdeen "Oo Xasan miyuu yimi oo la helay ", markaas ayuu ku yidhi, "Haa". Anigu markaa waxaan ahay nin aad quruxda yaabto ileyn waxaan ahaa nin maalintii marna wax cunayey, marna hurday, habeenkiina Aamina suldaan legga kaga jiraye. Dabadeedna markii ay odayaashii cabaar ila kaftameen ee ay igu yidhaahdeen "Waar qurux weynaa iyo xagee buu ka yimi" ayaan meeshii ka kacay oo aan soo eegay dhalinyaradii aanu xeegada wada ciyaari jiray, berigaana qaad lama cuni jirin oo Ceerigaabo oo dhan 4 oday baa ka qayili jiray, markaa dhalinyaradayada oo dhan balwadayadu waxay ahayd Xeego iyo kubbad. Dabadeed dhalinyaradii oo dhan ayaan casuumay oo inta aan kaxeeyey hudheelada geeyey, laakiin waxa ay cunayaan oo dhan isugu tegi maayaan laba rubadood. Dabadeed markii aan Ceerigaabo laba habeen joogay ee ay kutaan iyo tagfi igu cuntay ileyn nin janno ka yimi ayaan ahaye ayaan go’aansaday inaan ambabaxoo aan qabto reerkaygii iyo gabadhaydii Aamina suldaan"...

La soco cadadka dambe.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wuu Dhammaaday Waqtigii La Wal-Waalayay Xoolaha Masaakiinta

Marka hore mahad dhamaanteed waxay usugnaatay Eebbe.Marka xiga anigoo ku hadlaya magacayga iyo magacyada inta ila fikir ah waxan u Hambalyeynayaa duqa cusub ee loo doortay xilka mayernimo ee Borama C/raxman sh.Cumar Daahir iyo ku xigenkisa c/llaahi cali coofle. 

Waxan Eebe uga baryayaa inuu u fududeeyo xilka ay qaadeen, ee uu dadwaynaha deegaanka Borama u igmaday.waxan leehay Alla ha idinku asturo.

Intaa dabadeed waxan rajaynayaa in maamulkan cusub ee degmadu uu la iman doono wax qabad dhab ah oo muuqda. Waxan aaminsanahay in uu noqon doono mid u adeega dadwaynaha, Baahida degmada ee qaan gaadhayna wax ka qaban doono, ee aanu noqon doonin mid lagu adeegto, isagana dadwaynaha kusii adeegta.

waxan aaminsanahay in maamulkan cusubi yahay mid aqoon iyo waayo aragnimo waynba uleh,maamulka iyo maaraynta mansabka loo doortay.

Midda kale maaha mid dusha laga keenay ee waxay ku yimaadeen rabitaan dadwayne, sidaas darteed waxan ku niyad samahay inuu bog cusub furi doono.
waxan filayaa inuu dhamaaday wakhtigii wasiirka daakhiliga loo sii walwaali jirey waxa masaakiinta laga ururiyo

Jowhar C/samad Qalinle (Qalinle yare )
Borama

Top


Wasiirka Warfaafintu ma Boqol Buu u qaybsami?

Tan iyo markii ay Somaliland u gudubtay nidaamka axsaabta siyaasadeed in laga dhaqan galiyo waxa bilaabmay dhismaha urur siyaasadeed in seeska loo dhigo ma xuma in Somaliland ay u gudubto nidaamka xisbiyada ee loogu tartamo talada hogaaminta dalka, hase yeeshee waxaan laga indha qarsan karin in loo dhugyeesho sidii aan ololayaasha siyaasadu u wiiqi lahayn hawlaha qaran guud ahaan amase aanay baylihi ugu iman adeegii bulshada waxaa loo baahanyahay in marka la hayo inaan wakhti lagu lumin dano xisbi iyadoo tii qaranimadu ay qaybo ku jirto.

Marka aynu u dhaba galo wadamada horumarka ka sameeyay nidaamka xisbiyada badan duruufo ahaan iyo dabeecad ahaanba way u bislaadeen dimuqraadiyada, mushtamacooda iyo masuuliyiintooduba waxay karti u leeyihiin aqoon ay ku maamulaan loolanka siyaasadeed oo maangal ah iyo danaha guud ee umadda ka dhaxeeya, waxaan muran ka taagnayn sida aynu uga aradanahay mushtamac ahaan iyo masuuliyiiinta dalka qaarkood oo kala garan la’ hawsha qaranka ay u hayaan iyo falgalida ururada siyaasada ay ku leeyihiin taasoo la odhan karo masuuliyiinta ku shuqloon ololaha siyaasadu waxay ragaadiyeen hawshiiii qaranka ay uga wakiilka ahaayeen maxaaa yeelay qofna ma qaybsamo waxay dadweynaha aad ula yaabeen markay maqleen nin magaca wasiir huwan oo afkiisa iyo carabkiisaba ku xajinaya urur hebel baan ahay isagoo haybadii qaran huwan waa nusqaan in wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale xaalayn waayo mansabka milgaha uu sido balse uu xadeeyay koofiyada UDUB ka dib markii Idaacadda BBC-du ku waraysatay socdaalka uu dhawaan ku tagay cariga Ingiriiska socdaalkaasoo wasiirku ku sheegay martiqaad uu ka helay taageerayaasha UDUB ee waxay dadweynuhu isweydiinayeen oo talaw UDUB ma waxay wayday nin uga fara dhuudhuuban wasiirada ololaha siyaasada mise xukuumadii baaba hawshii qaranka ka jeedsatay oo hal dabala u gashan ololaha UDUB baylahda hawlihii qaranka ka jirta iyo u heelanaanta ololaha siyaasadu sideebay isu daboolayaan waa yaabe arrintu siday doonto ha ahaatee waxaa in la isweydiiyo u baahan wasiirka warfaafintu ma boqol buu u qaybsami? Laabi laba u la’.

Waa in la kala saaraa danaha xisbiga iyo danta guud ee qaranka kala mudan UDUB iyo haybada qaranku.

Maxamed Ibraahim Sagax
Hargeysa

Top


Kud ka Guur Oo Qanjo U Guur

Anagoo ka mid ah dhalinyarada ku nool deegaanka Gabilay waxaa loo baahanyahay inay umad waliba sugto aayaheeda mustaqbalka, haddaba waxaa jirta in degmada Gebiley oo ay ku nool yihiin dad ka tiro badan gobolada dalka qaarkood, aanay ka muuqan dhismaha golaha deegaanka waxaa jirta in degmada Gabilay loolanku ka bilaabmay 21-ka oct 2002 kaasi oo ku beegnayd maalintii madoobayd ee Afwayne Soomaaliya qabsaday sidaa darteed waxaad moodaa inay maalintani maalintii madoobayd la mid tahay taasi oo inta badan laga tagay beelihii ugu badnaa.

Taasi oo dhamaan musharaxiinta ka soo jeeda beelaha oo tiradoodu tahay 48 musharax laga ururiyay lacag, halkii laga rabay in qof waliba keeno shuruudihii looga baahnaa waxaa timiday musuqmaasuq, qabyaalad, nin jeclaysi, iyo awood sheegasho lagu qayb qaybiyay musharaxiintii degaanka oo sagaalkii (9) beelood ee degamda Gabilay wada dagaanaa laga soo qaatay hal beel oo kaliya iyo xubno ka tirsan degmada Allaybaday halkaasi waxaa ka bilaabmay qalooc siyaasada Gabilay gilgilay. Fikradaana waxaa abuuray musharaxiin boogo mucayina leh.

Waxaa kale oo shacbiga reer Gabilay liqi kari la’yahay xubno maamulka hore u soo maray oo dhibtii ay u gaysten la meehanaabaya suuqa Gabilay.

Haddaba maqaalka ku soo baxay Jamhuuriya cadadkii ku taariikhaysan 03/01/03 ee cadadkiisu ahaa 1932 markuu leeyahay dareenka dadweynaha Gabilay iyo dib u dhigista fadhiga golaha deegaanka miyaanu ka socon qodobada aan kor ku soo sheegnay waxaa kale oo aan aaminsanahay in xisbiga UDUB iyo wasaaradda arrimaha guduhu qayb libaax ku leeyihiin wax ka qabasho la’aanta arrintan.

Haddaba waxay isweydiintu tahay goormaa la helay qodobadan hoos ku qoran.

  1. In cabashada beelaha ka maqan Gabilay la qanciyo.

  2. In laga fiirsado xubnaha safka hore isasoo dhigay ee maayarka u sharaxan.

  3. In Dawladdu qaadato wixii dhaliil ah ee ay ku leedahay musharaxiinta deegaanka Gabilay si cadna isaga dudo waxaan sharci loogu lahayn.

  4. In dhulkii aan laga footayn si deg deg ah loo diiwaan galiyo.

Haddaba qodobadan hadana wax laga qaban wax la qoomamayn doonaa Gabilayeey kud ka guur oo qanjo u guur.

Mawliid Cali Muxumed (Baashe)
Yaxye Nuur Cige (Bacaw)
Gabilay.

Top


Maxaa Dhulkayaga Loo Dhacayaa

Anaga oo ah duqayda beesha gabooyaha ee degan Degmada Allaybaday, waxaan ku lahayn degmada dhul sida dadka kaleba ay ugu leeyihiin, dhulkaasi oo ay tirada dadka lihi ahaayeen 29 qoys oo beesha gabooyaha ee degmada Allaybaday ay lahaayeen ayaa dhamaanba lanaga haystaa.

Taliyaha booliska ee degmada Allaybaday mooyaane cid kale oo wax noo qabataana ma jirto. Haddaba haddiii aanu nahay odayaasha iyo duqayda beesha gabooyaha ee degan degmada Allaybaday waxaanu muwaadiniinta reer Somaliland iyo masuuliyiiinta umada Somaliland-ba si sharaf leh uga codsanaynaa inay arrintayada wax ka qabtaan oo si naxariis leh la noo siiyo dhulkayaga la haysto.

Caaqil Xasan Cabdi Saayaq
Qaybdiid Bade Cabdi
Cismaan Jaamac Xasan,
Aadan Cawad Naaleeye
Haybe Jaamac Cawad
Xuseen Maxamed Cawad
Ibraahim Aadan Cawad
Aadan Maxamed Yool
Aadan Cadaad Ismaaciil
Allaybaday

Top


Maamulka Fara-Weyne Wuxuu Ku Xad-Gudbay Sharciga

waxaa dhacday markay taariikhdu ahayd 31/01/03 inuu maamulka Degmada Faraweyne u yimid cashuur qaade ka tirsan D/Hoose Allaybaday oo fadhiyay tuulada Dacarta iyagoo ninkaas u sheegay inay tuuladaasi ay iyaga (Faraweyne) ka tirsan tahay sidaana ay kaga joojisay hawshiisii shaqo.

Haddaba waxaanu u soo jeedinaynaa W/A/Gudaha JSL in ay xil iska saarto si ay wax uga qabato farogalinta uu ku kacay maamulka Degmada Farawayne kuna xadgudbay maamulka Degmada Allaybaday.

Haddaba xadhiga iyo sheegashada ay Faraweyne sheeganayso tuulo aan hore u hoos iman jirin ma waxaa la soo saaray xadka Faraweyne ee degmo oo kaliya. Waxaa kale oo aan ka codsanaynaa in ay arrintaa xukuumadda Somaliland soo dhexgasho.

Maxamed Xaashi Muxumed
Allaybaday

Top


Daymada Daryeelka Deegaanka

Cumar D. Cumar

Daryeelka Deegaanku Waa Rajada Horumarka

Waa bar tilmaameed ay dhamaan dadyowga adduunku mar walba higsanayaan inay gaadhaan horumar ah dhinaca nolosha oo ka sii wanaagsan kolba heer nololeed ee ay ku suganyihiin xiligaa.

Marka la eego arrinta oo uu deegaanku leeyahay saamaynta ugu wayn daryeelkiisu si loo hiigsado horumar maadaama marka laga hadlayo deegaanka oo ah hawada, biyaha, iyo dhulka lagu dedaalayo sidii loo sugi lahaa inay noqdaan kuwo aan waxyeelo u lahayn noolaha dhir iyo xoolaba si ay ugu noolaadaan nolol fayaw oo caafimaad qabta, marka laga hadlayo ilaalinta deegaanka waxaa si siman loo dhawrayaa wax walba oo waxyeeli kara dadka, noolaha kale dhir iyo xayawaanba.

Marka la eego wadamada soo koraya sida Somaliland oo kale oo waliba ay saamayn wayn ku yeelatay dagaaladiii sokeeye ee soo maray waxa jira dayac wayn oo ka muuqda dhinaca daryeelka deegaanka, burburka ama nugaylka shuruucda ayaa sababay in baayacmushtar ahaan loo keeno waxyaalo badan oo hadhaagoodu uu dhibaato u leeyahay oo dhinaca deegaanka waxaa tusaale loo soo qaadan karaa Somaliland isticmaalka bacda oo aad u batay wixii ka dambeeyay 1991-kii ama sanaado ka hor, bacdu waxay keentay marka ay ku faafto deegaanka waxyeelo dhinaca ciida ay ka baxaan dhirtu oo ay waxyeelo ku keento muddo (50) sanadood ah marka hadhaageedu ku darsamo ciida, dhirta oo ay isku marto oo ay caleemaha ka daboosho cadceeda, halkaas oo geedku ku waayo awoodii raashin samaysiga, ka dibna uu geedku diciifo, geedka oo qalala, dhintana ayaa ku xiga.

Xoolaha nool ayaa iyaguna u dhinta bacda markay ku faafto dhulka iyo geedaha dushooda ee ay cunaan.

Nabaad guurka oo ku sii kordhay goobo badan oo aan dhul ahaan loogu dhaqmin sidiii ku haboonayd, ee lagaga hortagi lahaa nabaad guurka ayaa iyaguna ka mida waxyeelada gaadhay deegaanka sanadahii tagay.

Daryeelka deegaanku waa hawl u baahan in si wada jir ah ay uga wada qayb galaan dhamaan da’ walba oo ah muwaadiniinta, yar iyo wayn, rag iyo dumar, dadka waxbartay iyo kuwa aan fursada u helin waxbarashada, waana qayb weyn oo ka mid ah hiigsiga horumarka ee umadda in ay daryeelaan oo ay ilaashadaan deegaankooda waxyeelada gaadhi karta bad iyo beriba.

Daryeel la’aan ka muuqata deegaanku waxay noqon kartaa astaan muujin karta in aan lagu taagnayn jidkii horumarka.

Ilaalinta badaha iyo noolaha ku nool ee xad badeedyada Somaliland, waa qayb wayn oo ka mida deegaanka aan kaga hadalnay daryeelkiisa qoraalkan iyo kuwii ka horeeya, jarista dhirta oo aan noqon arrin fudud Somaliland ayaa ahaan lahayd talaabo wax tar u leh deegaankeena.

Halku dhiga todobaadkan ee daryeelka deegaanka ee barnaamijkani waxa uu yahay "Beer Waraabi, ilaali, dhirta, fadlan ha jarin, ha gubin, hana ku shubina wax waxyeeli kara noloshiisa."

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. Gara

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha gaagaaban ee kaftan yaqaanka iyo ilaaqda. Dhegaystayaashayadow, waxaynu soo gaadhnay amintii aanu idiin soo gudbin jirnay wixii war ee raadyowgu soo xaab-xaabay, waana kan warkii oo inoo waramayo weriye coofle.

Isagii Oo Is-Kuusaya

Qabar-sanawaaci Maraykanku lahaa, ayaa ku bakhtiyay meel ku taalla hawada Gobolka Sagsiile, kadib markii ay naftu kaga baxday markuu soo gaadhay gadaanka hawada dhulka. Sayruukhan oo la odhan jiray Kolombay, wuxuu aakhiro uu u kaxaystay toddoba cirmaax oo laba xaawalay ahaayeen.

Diirad lagu eegay bahalkaas oo sakaraad hawada dhex rafanaya, ayaa dambaskiisii naxash lagaga ururiyay laamaha dalkaas. Sayruukhan oo la sheegay kuray xoogle da’diisu tahay labiyo labaatan jir, lama oga xanuun dilay, Shirkadda laba Naas lay, ayaa sheegtay in ayka daba tegayso cudurkii dilay iyo wuxuu ku maagay. Sayruukhani, wuxuu ka soo laabtay Saldhig hawada sare ku yaal oo dawladaha kibray u kaadi tagaan, kaas oo la sheegay in Sayruukhan dhintay ka soo noqday, ayaa dhimashadiisa wax laga saarayaa Hay’adda Naaso. 

Hay’adda Naaso, ayaa tidhi; "Bahalkani isaga oo aad u kulul, ayuu soo noqday markaa waxaanu u malaynaynaa in laga soo xanaajiyay oo ay isa soo laayeen qoladaas uu ka yimi ee jooga tuulaha hawada sare." Qaar kale, ayaa iyana yidhi; "Hawada qabow ee dhulka ayuu hargab ka qaaday."

Shirkadda ayaa sheegtay in laga yaabo in waysadii shidaalku ku burqatay oo bahalka gubtay, iyadoo la sheegayo in gol-jilicda uu doog hore ku lahaa. Bahalkan oo sidii gaadhi Siisaw ah samada u bixi jiray, laba wiig ka hor ayuu dalka Maraykanka ugu safray cirka sare, xilligaas oo ku beegantay xilli uu dalka Maraykanku uu balaayo u soo biyaystay oo daydayayo halkuu Ciraaq kaga dhufan lahaa.

Sayruukhan oo aan kala garan waayay inuu cirka ka soo khaawisayay Ciraaq iyo inuu rabay in Sadaam uu samada ka soo caayo. Dalka Maraykanka oo geeri laxaad lihi soo food saartay, ayaa ku mashquulsan tacsida sayruukhaas, iyadoo raqdii laga helay lagu aasayo Qabuuraha Sayruukhyada lama oga in bahalkan ay bahasha argagixisada la yidhaa dishay oo jid-gooyo u gashay cirka iyo dhulka dhexdooda iyo in kale, iyadoo dadka qaar sheegeen in sayruukhani jiidhay laba iyo toban qulu-walle oo hawada sabaynayay. 

Cir-bixiyeenada ku dhintay oo la sheegayo in ay ahaayeen rag lagu goblamay, waxa laga samri waayay oday Yuhuudi ah, shiishyahana ka sii ahaa, ahaana ninka keliya ee reer Yuhuudeed ah ee cirka ku libdha, taas oo ragga qaar tilmaameen inuu ninkaasi bahalka galaaftay, iyagoo sababaynayana waxay yidhaahdeen "Yuhuudii dhulkii bay qastaye, cirkana ma waxay doonaysaa in ay xasarad la tagto." Sayruukhan oo ah kii labaad ee shirkadda ka bakhtiyay, waxa la sheegay dalka Maraykanka ay ka dabar go’een, iyadoo sayruukhyada noocan ah laba dhinteen, saddex keliyahina u nool yahay.

Saldhigan uu ka soo noqday oo ah tuulo hawada ku taal, oo dunidu la tagto arrimaha dadka lagu badowsado, iyadoo shaqada ugu badan ee lagu qabtaa tahay basaasida iyo baadhitaanna cudurada iyo cayayaanka saldhigaas aan is leeyahay aad jago ka qabsatid, si raadyow ma qaloocshe ugu xaggaa baxo, sababtoo ah dhulkii oo dhanba xasuuqbaa lagu sameeyay oo baloodh baloodh baa loo qaybsaday, iyadoo aan ka baqo qabo in haddii aan cirkaa Illaahay jago ka deg is idhaahdo in ay ii yimaadaan dad laba fayl sida oo yidhaahdaan dawladdii hore ayaa na siisay. Haddaba, sababi yeelkadeede, dalka Ruushka oo isagu qumay ku ah xaga cir-baxa, ayaa la sheegay inuu xalayba sayruukh cusub cirka ku fay siiyay, iyadoo laga yaabo inuu ku sinmo saldhigga hawada sare oo ay khamri u geeyo saddex nin ee ku sugan halkaa, iyada oo saldhigaas oo laba nin oo Maraykan ahina maqaaxi ku haystaan, nin Ruush ahi dukaan ku haysto, iyadoo dhawaana jabaanku ka furanayo hudheel lagu khamaaro, shankaroontana la sheegay in ay ka kiraysanayso Mafrash lagu qayilo.


Weftigii reer Leebiya ah ayaa kulan la yeeshay Madaxyuubka Shankaroonland. Kulankaas oo la sheegay in Af Carbeed laysu adeegsaday, ayaa la sheegay in afku qasmay. War uu Af miishaarka Shankaroontu soo saaray, ayaa lagu sheegay in weftgu Wershada Sibidhka dabiibaayo oo laga soo saarayo aqoonsigii oo aan is-idhi, Aqoonsiga ma Wershadaa liqday. Weftiga oo aanan afka ula tegin, ayaa war boobe reer BBC ah u sheegtay in mashruuca ugu weyn ee ay wadaan ahayd esta laanta u geyn, dalka Leebiya oo aan is idhi beenta ayuu yaqaan, waa markii saddexaad ee la maqlo in dalka mashaariic ku sameynayaan. Ilaa imikana in aanu arag albaab ay handaraab ugu dhajisay, iyadoo aan is idhi waxay fidinayaan gebgebtii Qadaafi iyo jamaahiraya job.

Gabay
Gabay fanaxle baa iga fakaday
Xalayto fiidkiiye,
Firdhadkisii baa laygu yidhi
Fiidyow buu galaye.
Habro filimo daawanayay,
Baa fayl u soo galaye.
Faraqay ku qaateen
Intay yara fiqeeyeene.
Fanta laysay waxay iga dhaceen
Foosto heesa ahe.
Filqankii ka soo hadhay
Haddaan idiinku fayl faylo.
Hadaan faro maroojiyo
Hadaan feedh ku laba miiso
Hadaan ficil dambaabidho
Haddaan foodda ugu tuuro,
Farsamooyinkaygii
Haddaan soo faldarayeeyo,
Inuu gabaygu igu foolxunyahay,
Inaad fahanto saw maaha.

Afartaa intaan fooq la koray
Fagax ma soo siiyay
Fidhiqiyo intaa koombo daray
Maydin fahan siiyay
Ma fatihiyay waa taa murtida
Iga filayseene,
Waxba gabaygu yuu iga firdhine
Waan qarxinayaaye
Afar kalena sidii shaag banjaray
Fiisha ma kaga siiyay.

Asliyeey adduunyada malaa
Way is dilaysaaye,
Alla wuxuu ka qaybshaba
Armiga laysu soo guraye,
Ina Buushba waa kaa
Dagaal agaasimaye,
Cududiyo laxaadkaa Ciraaq
Lagu dul gawdiidshey,
Ceelashaa batroolku rabaa
Inuu cantuugaaye,
Inuu wada cabiidshuu rabaa
Carab dhammaanteede.

Anna waxaa la yaabanahay
Qaadka soo dhacaye,
Mar is idhi Alqaacida noqo
Qarax la eeg-eego,
Mar is idhi dilaal weyn noqo
Dawladaba iibi,
Mar baan idhi shirkaa Eldoret
Koox u sii diro’e,
Mar baan idhiba duullaan ku kici
Deriska Puntlaane,
Mar is idhi xuduudaba ka xidho
Xabashidaa jaane,
Marbaan idhi dhammaantood xaraash
Eeriboodada’e
Mar baan idhi Jabuutiba maslaxo
Waxaa tihiin jaare,
Mar is idhi malaa doorashada
Waa lagaa badine,
Xanxantoobso xoolaha hadhow
Yaad xayraan noqone,
Marbaan shirkaa reer Afriik
Sheego arinkaaye
Mar is idhi qasiisnimo baroo
Qoysas kala tuure,
Mar is idhi ururadii hadhiyo
Xoojin kale doone,
Marbaan idhi sidii reer kulmiye
Kiis naxliya doone,
Marna is idhi adoon juuqba odhan
Jiifso aqalkaaga,
Mar is idhi masayr maba kartide
Eri min-weyntaada,
Naago kale doono,
Marbaan idhi qofkii kula hadlaba
Garande jiidhsiiye,
Mar is idhi Amxaarada nacoo
Carab la daaweyso,
Mar is idhi wasiir weriye noqo
Oo is yara waal.
Kaambeyn daraadii miyaan
Kala dambeyn weyney.

Top


WAADIGA CIYAARAHA 

Athletico Bilbao Oo Hakisay Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee R. Sociedad

Kooxda Real Sociedad oo ku hoggaaminaysay tartanka La Liga ee Spain, iyada oon xilligan mar qudha laga adkaan ayay arrintaasi soo af-jarantay kadib markii ay kooxda Athletic Bilbao ay kaga badisay 3-0.

Real Sociedad oo ka horraysay 4 dhibcood kooxda ugu dhow kooxaha kula tartamaya horyaalka La Liga waxaa ciyaartan laga gacan sarreeyay markii uu goolkii hore ee ciyaartaa uu u dhaliyay Bilbao Joseba Etxeberria qaybtii hore ee ciyaarta, isla weeraryahanka Joseba ayaa gool labaad u dhaliyay qaybtii 2aad ee ciyaartaa, goolka saddexaadna waxaa u dhaliyay Santi Ezquerro.

Real Sociedad waxaa laga saaray Nihat Kahveci oo ka ciyaara khadka dhexe, kadib markii uu si xun ula ciyaaray oo uu ku xanaaqay.

Isla ciyaarahaas kooxda Real Madrid ayaa barbaraysay kooxda Espanyol (2-2). Qaybtii hore ee ciyaarta kooxda Espanyol ayaa ku hoggaaminaysay 2-0, waxaana u kala dhaliyay Roger oo ka ciyaara khadka Dhexe iyo Raul Tamudo oo isna ka ciyaara isku-xidhka qaybinta iyo hujuumka.

Kooxda Real Madrid ayaa iska soo baday labadaa gool, markii ay laba gool u kala dhaliyeen Roberto Carlos iyo Luis Figo.

Kooxda Valencia ee horyaalka kooxaha Spain ayaa guul aan sidaa u buurnayn kasoo hoysay kooxda Real Mallorca.

Valencia waxay guushu ku raacday gool uu u dhaliyay Mista oo ka ciyaara dhinaca weerarka.

Deportivo La Coruna ayaa tagtay kaalinta saddexaad ee tartanka La Liga, kadib markii ay ka guulaysatay Real Betis. Deportivo waxaa labada gool ee ay guushu ku raacday u dhaliyay Diego Tristan iyo Roy Makaay.

Top


Adepoju Oo Ku Biiray Kooxda Samsunspor

Mutiu Adepoju oo ah ciyaaryahan caalamiya oo reer Nayjeeriya ah ayaa la saxeexday heshiis uu ugu ciyaari doono koox reer Turki ah oo la yidhaa Samsumspor. Heshiiskaa oo muddadiisu tahay 18 bilood.

Mutiu oo ka ciyaaraha khadka dhexe in muddo ah kamuu tirsanayn naadi ciyaareed, kadib markii uu ka tegay kooxda Salamanca ee kooxaha heerka labaad ee Spain, xilli-ciyaareedkii hore.

Adopoju Mutui wuxuu muddo ka ciyaarayay dalka Spain, waxaanu qaatay dhalasho dalkaas ah, sidaas daraadeed ma xisaabsana nin ka yimid dal kale.

Kooxdan Samsanspor waxaa hore uga tirsanaa Ike Shorunmu oo ay Nayjeeriya isku koox ahaayeen Mutiu. Ike Shorunmu wuxuu ku biiray kooxda Samsunspor xagaagii hore.

Mutiu Adepoju, wuxuu ka mid ahaa Qaranka Nayjeeriya ee ka qaybgashay ciyaarihii koobka adduunka ee 2002 ka dhacay Japan iyo Kuuriya, hase yeeshee muu safan tartankii ciyaarahaas oo wuxuu ahaa xubnaha kaydka ee kooxdaas.

Top


Cameroon Oo 1-0 Kaga Adkaatay Senegal

Kooxda Qaranka ee dalka Cameroon ayaa hore ugu sii tallaabsatay isreeb-reebka koobka dalalka 17-ka ah, kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda dalka Senegal ciyaar ka dhacday Yaounde - Dalka Cameroon.

Guusha ay dalkooda ciyaartii ka dhacday ku guulaysteen kooxda reer Cameroon waxay ka dhigan tahay haddii ay barbaro keenaan ciyaarta dambe ka dhici doonto magaalada Dakar ee dalka Senegal in markaa ay Cameroon u soo baxayso ciyaaraha kama-dambaysta ah.

Kooxda Masar ayay iyada fursaddeeda ku xidhan tahay in ay guulaystana ciyaarta ay ku ciyaari doonaan Lilongwe ee dalka Malawi oo ay ku badiyaan 1-0.

Dhinaca kooxaha Bariga Afrika, Ethiopia ayaa ciyaartii hore 2-0 ay kaga adkaatay Kenya, laakiin is-aragii dambe ayaa natiijadii noqotay mid la mid ah tii hore oo aanay laba dal waxba is-dheerayn si loo kala reebo, sidoo kale ayay u siman yihiin Gambia iyo Zambia.

Kooxaha kama-dambaysta soo baxaa waxay ku ciyaari doonaan Swaziland.

Top


Yorke Oo Ku Eedeeyay Ferguson Sababta Uu Uga Tegay Man. United

Dwight Yorke ayaa ku sababeeyay sababta uu uga tegay kooxda Manchester United xilligii uu u wareegay Blackburn Rovers in ay isa seegeen maamulaha kooxda Manchester, Sir Alex Ferguson.

Yorke, wuxuu sheegay in da’ ahaan iyagoo kala weyn iyo qaab-nololeedka ay ku soo kala noolaayeen oo kala duwan in ay ahayd sababta is-faham la’aantoodu sababtay in uu kooxda ka tago Yorke.

Heshiis laba milyan oo gini ah ayuu Yorke ku yimid kooxdan uu hadda u ciyaaro oo uu u saftay affar ciyaarood.

Ciyaaryahankan Yorke oo ah ciyaartoy caalami ah oo u dhashay jasiiradaha Trinidad iyo Tabago oo ku yaala waqooyiga Ameerica dhinaca koonfur-bari, isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi Yorke, "Weligay maan noqon ciyaartoyga ka tallaabsaday sharciga u yaal kooxda Manchester, waxaan dhaliyay 63 gool Saddex xilli-ciyaareed, maan ahayn markaa ciyaartoy xun, waxay ila tahy in aan u sii ciyaari kari lahaa Manchester United."

Dwight Yorke wuxuu intaa ku daray in waxa qudha ee uu sameeyay intuu u ciyaarayay M. United ay ahayd kartida uu ku ciyaaro iyo ciyaar-wanaagiisa.

Yorke isagoo arrintaa kasii hadlaya waxaa ka mid ahaa hadaladiisa; "Markii lanaga qaaday tijaabooyinka guud ee ciyaarta waxaan ka galnay halka ugu saraysa, waxaanu isku mid ahayn David Beckham, laakiin inay sidan tahay weligeed lama baahin oo lama sheegin, waxaan u malaynayaa in da’diisu ay tahay Alex Ferguson ilaa 60-jir oo uu ka fadhiistay ciyaaraha xilli hore."

Top


Inzaghi oo dhaliyay Gool Ay AC Milan Aad Ugu Faraxday

Milan (Reuters): Kooxda haysata Horyaalka Talyaaniga ee Juventus, ayaa barbaro kula noqotay 1-1 kooxda heerka hoose ee Atlanta.

Kooxda Lazio ayaa iyana heshay goolkii barbaraha ee ay kula simantay kooxda Chievo. Kooxda AC Milan, ayaa heshay guul waxtar leh, markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Modena. Ciyaaraha kooxaha Talyaaniga, waxaa iyana 2-0 ku dhaaftay Inter Milan oo ka adkaatay Torino. Tartanka Horyaalnimada ee kooxaha Serie A ee Talyaaniga, waxay kooxaha isku magaalada ah ee AC Milan iyo Inter Milan ay midiiba leedahay 42 dhibcood, kooxda Juventus ayaa kaalinta labaad ku jirta oo leh 38 dhibcood, kaalinta saddexaad hadda ku jirta kooxda Lazio oo leh 37 dhibcood.

Kooxda AC Milan, ayaa weeraro isdaba jooga ku qaaday goolka Modena, laakiin wax goolal ah may dhalin ilaa daqiiqadii 76aad ee ciyaartaa. Difaaca Modena, Paolo Ponzo, ayaa dhulka dhigay Kakha Khaladze oo khalad ku galay, rigoorihiina waxa u laaday kooxda Milan weeraryahanka Pirlo, si fiicanna wuu u dhaliyay, taas oo ay kooxda AC Milan ku hormartay 1-0.

Rivaldo, ayaa dhisay goolka labaad ee AC Milan, kadib markii uu si fiican laad dadban uu kubadda u geeyay meel uu Filipo Inzaghi uu madaxa ku farsameeyay oo ku dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa.

Kooxda Modena, ayaa iska soo beday hal gool wakhtigii dheeraadka ahaa ee uu ku daray garsooraha ciyaartaasi, waxaanay guushu kooxda Milan ku heshay 2-1.

Ciyaarta kale ee ay Inter Milan iyo Torino isku haleeleen, kooxda Inter 45-kii daqiiqadood ee qaybtii hore ee ciyaartaa ma helin fursado iyo dhammaystir weerar oo uu gool ugu dhasho, hase yeeshee 3 daqiiqadood kadib nasashadii ciyaarta ayay Inter Milan qabatay hogaaminta ciyaarta, kadib markii uu Vieri ka faa’iideeyay fursad uu ka helay goolhayaha Torino Luca Bucci oo kubad uu qabtay u laaday si hoose, taas oo uu Christian Vieri uu ka helay fursad uu ku dhaliyay goolkiisii 17aad ee wareega ciyaaraha xilli-ciyaareedkan.

Sagaal daqiiqadood kadib, goolkii hore ee Inter Milan, waxaa isna kii labaad u dhaliyay Okan Buruk. Ciyaaryahanka u dhashay Turkiga, kadib markii uu Recoba ka soo tallaabsaday laba ka mid ah difaaca Torino oo uu kubadda laad sare ugu gudbiyay Okan oo isna goolka labaad u saxeexay Inter Milan.

Top