Xuska Sanad-Guurada 30aad Ee Geeridii Cabdillaahi Suldaan Tima-Cade
Britain Oo Ku Talo-Jirta Inay Somaliland Ka Samaysato Xarun Lagu Haynayo Dadka Dalkaasi Laga Soo Mustaafuriyo
"Anaguba Waanu Dareenay Beelnimada, Laakiin Waxaanu Samaynay Shuruudo Meesha Ka Saaraya In Beelnimo La Isku Raaco"
Gebilay: Is Mari Waagii Xubnaha
G/Deegaanka, Iyo Dhaartii Xagal-Daacday Ee Mucaaradka
Ma Hana-Qaadi Doonaan Xisbiyada Curdinka Ah Ee Somaliland
Warbixintii Colin Bowel Uu U
Jeediyay G/Amaanka Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay
Dawladda Sucuudiga Oo Ka Digtay Rabshado Ka Dhaca Gudashada Xajka
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga
Iftiinka islaamka
Odhaahda Akhristaha
Albaabada May Garaacdeen
Dawladu Ha Daryeesho Ciidamada Qalabka Sidaa
Maayarka Gabilay Miyaanu Ogayn in Biyuhu Yihiin Aasaaska Nolosha Bani-Aadamka ee Ugu Horeysa
Yaa Caawinaya
Crystal Palace Oo Dibadda Uga Haraatiday Liverpool Koobka FA Cup-Ka
Kooxda heerka labaad ahi waxay Liverpool ku ceebaysay hoygeeda |
|
Xuska Sanad-Guurada 30aad Ee Geeridii Cabdillaahi Suldaan Tima-Cade
|
Hargeysa (Haatuf) Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay sanad guurada 30aad ee ka soo wareegtay geeridii gabyaagii weynaa ee marxuum C/laahi Suldaan Timacade ayaa xalay lagu qabtay Hotel Mansoor.
Munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay akadamiyada nabada iyo horumarka Somaliland waxa ka soo qayb galay masuuliyiin, hal abuuro, iyo marti sharaf kale oo badan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaaniba.
Munaasibada waxa furay gudoomiyaha akadamiyada nabada iyo horumar Dr. Bulxan ka dib waxa munaasibada si faahfaahsan uga waramay Boobe Yuusuf Ducaale oo akhriyay qoraal dheer oo si weyn uga hadlay taariikhdii suugaantii iyo halgankii dheeraa ee uu soo galay marxuum C/laahi Suldaan Timacade.
Waxaa kale oo halkaa khudbado ay kaga waramayaan qiimaha uu Timacade ku leeyahay suugaanta Soomaalida ka soo jeediyay abwaanada iyo suugaanyahanada Somaliland.
Ilaahay ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacade oo dhashay 1920kii waxa uu geeriyooday 6-dii February 1973-kii oo haatan laga joogo 3 sanadood.
Qoraalka uu Boobe Yuusuf Ducaale ka diyaariyay taariikhdii Marxuum Timacade oo aad u dheer waxaanu idiin soo gudbin doonaa cadadada soo socda haddii Ilaahay yidhaa.
Top
Britain Oo Ku Talo-Jirta Inay Somaliland Ka Samaysato Xarun Lagu Haynayo Dadka Dalkaasi Laga Soo Mustaafuriyo |
Dadka U Dhashay Koonfurta Somaliya Waxa Lagu Soo Celinayaa Somaliland, Ciraaqiyiintana Waxa La Geyn Doonaa Turkiga, Iiraan Iyo Gobolka Kurdistan
Qorshe Sir Ah Oo Ay Diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Britain
London (Haatuf) - Dadka Ajaanibka ah ee magangelyo ahaan u gala dalka Biritayn ayaa la qorsheeyay in dib loogu celiyo goobo ku dhow dalalkii ay ka yimaadaan.
Sida ay cadaysay warbixin sir ah oo ay diyaarisay wasaarada Arrimaha Gudaha ee Biritayn, taasi oo uu maalintii Arbacadii ee 05/02/2003, uu daabacay wargeyska ka ‘The Guardian’ ee ka soo baxa magaalada London, waxa qorshahan oo loogu talogalay in lagu dhimo tirada dadka magangelyo doonka ah ee ku badanaya dalka Ingiriiska ayaa waxay wasaaradu qoondaysay in dadka dalkeeda soo gelaya la geeyo goobo loo qorsheeyay oo ka tirsan Caalamka, meelaha ay warbixintu sheegtay in la qorsheeyayna waxaa ka mid ah Somaliland oo la keeni doono dadka ka yimaada koonfurta Somaliya oo xeryo looga samayn doono Somaliland, Dadka ka yimaada Ciraaqna in la geeyo Turkiga, Iiraan iyo gobolka Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq.
Dadka ka yimaada Aljeeriyana waxa la qorsheeyay in la geeyo meelo ku yaala dalka Morooko sida warbixintu sheegayso. Xeryahaas marka dadka la geeyo waxa loogu talogalay in lagu xanaaneeyo amaankooda iyo noloshoodaba, muddadaana la kala saaro dadka qaxootinimada u qalma iyo dadka kale. Muddada baadhitaanka loogu talogalay waxay qaadanysaa muddo lix bilood ah, iyadoo hubin lagu samayn doono waddamada ay ka soo qaxeen iyo sida xaaladdiisu tahay.
Marka la kala saaro dadka qofkii ay qaxootinimadiisu rumowdo waxa la sheegay in dib loogu dhoofin doono dalka Ingiriiska oo la aqbali doono codsigiisa magangelyo doonka ah. Qorshahan oo la sheegay in muddo toddobbaad ah lagu soo hordhigi doono si uu u saxeexo ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Tony Blair, waxaana la sheegay in hannaankan lagala tashan doono Madaxda hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR si ay u gudato kaalinteeda ku aadan daryeelka iyo xuquuqda dadka lagu haynayo xeryahaa laga samaynayo waddamadaa loo qoondeeyay. Taasoo ujeedadeedu tahay in Dawladda Ingiriisku kaga baxsato in lagu eedeeyo in ay dadkaasi meel cidlo ah iskaga qubtay, inkasta oo la ogyahay in Biritayn ay aqoonsan tahay dawladaha Turkiga, Moroco, Iiraan iyo Ciraaq, balse Dawladda Britain ilaa iyo hadda may aqoonsan Somaliland.
Sidoo kale, dalka Britain, maamul-goboleedka Kurdistan waxay u aqoonsan yihiin inay ka tirsan tahay dalka Ciraaq.
Haddaba, si loo suurto-geliyo qaybta Somaliland kaga aadan qorshahan waxa lagama maarmaan noqonaysa in xidhiidh heer-sare ahi dhexmaro Dawladda Britain iyo Somaliland, taas oo macno ahaan noqon karta asbaabo salka ku haya aqoonsiga Somaliland.
Sida la wada ogyahay tallaabadan ay Dawladda Britain ku mustaafurinayso dadka dalkeeda soo gelaya waxay soo baxday kadib 11-kii September 2001 weeraradii lagu qaaday Maraykanka iyo intii uu socday wixii loogu yeedhay ladagaalanka argagixisada. Waxa kale oo la sheegay in dadka magan-gelyada ku jooga Britain ay dhacdo inay ku dhex-dhuuntaan dalkaasi oo aan la ogaanin, inkastoo Britain aanay joojinin dhammaan dadkii magangelyada ku geli-jiray dalkeeda, haddana waxa lagu wadaa in tallaabadani ay yarayso dadka ku sii qul-qulaya dalkaasi.
Top
"Anaguba Waanu Dareenay Beelnimada, Laakiin Waxaanu Samaynay Shuruudo Meesha Ka Saaraya In Beelnimo La Isku Raaco" |
Af-hayeenka UDUB - Waraysi
Hargeysa (Haatuf): Waxa maalmahan dambe la isla dhexmarayey khilaaf mar kale saameeyey xubnaha sarsare ee xisbiga UDUB, iyadoo muddo aan badnayn laga joogo markii uu khilaafka ba’ani ka dhex-oogmay xoghayihii guud UDUB ee hore, Cabdi Aw-daahir, taas oo ka dambaysay markii uu Cabdi Aw-Daahir ku dhawaaqay inuu musharax Madaxweyne ka yahay ururkiisa UDUB, balse taasi waxay ka cadhaysiisay xubno hogaanka sare ee UDUB ah oo uu gudoomiyuhu, taas oo aakhirkii keentay in Cabdi Aw-Daahir gebi ahaanba debedda laga dhigo UDUB. Laakiin khilaafka cusub ee mudooyinkan dambe la hadal hayey waxaanu wax ka waydiinay ninka af-hayeenka u ah xisbiga UDUB oo magaciisa la yidhaahdo: Axmed Xaashi Cabdi, taas oo uu Axmed Xaashi sheegay inaanay waxba ka jirin khilaafkaa, isaga oo su’aal arintaa laga waydiiyey ka jawaabayana wuxuu yidhi "Ma jiro wax khilaaf ah madaxda xisbiga ka dhextaagani, hadii aad maqasheena mooyi meel ay ka yimaadeen, hawlahayagiina sidii caadiga ahayd ayey u socdaan."
Axmed Xaashi Cabdi waxa uu ka mid ahaa ururkii ILAYS la odhan jiray oo markii dambe la bahoobay UDUB, waxaana loo midowgii ka dib loo doortay afhayeenka xisbiga UDUB, wuxuuna Axmed sheegay inuu aad ugu riyaaqsan yahay guushii uu ka soo hooyey doorashadii golayaasha degaanka . "Sidii ay mudanayaashii u soo baxay golayaasha degaanka ee xisbiga UDUB uga qayb geli lahaayeen doorashada maayarada iyo kuxigeenada ayaa gebagebadoodii lagu jiraa, marka ay naga dhamaadaana waxaanu isu diyaarinaynaa ololaha doorashada madaxtooyada."
Inkasta oo uu afhayeenkani sheegay inuu xisbigiisu guul balaadhan ka soo hooyey doorashadii degaanka, hadana axsaabta mucaaradku waxay ku celceliyeen inuu UDUB, isaga oo isticmaalaya awoodda dawladda ku shubtay doorashadii, isla markaana ay cadaalad daro dhacday, laakiin Axmed Xaashi Cabdi mar la waydiiyey waxa uu eedaynta caynkaas ah ka odhanayo wuxuu yidhi "Walaahay anigu sidaa uma arko, waayo xisbi walba goobta doorashada muraaqib baa u joogay, markaa waxaan leeyahay guushaa aynu ka gaadhnay doorashada yeynaan wax u dhimin ee waa inaynu ku faanno."
"Waxaan u arkaa inay u dhaceen si xor ah oo cadaalad ah"ayuu intaa ku daray Afhayeenka UDUB. Laakiin Axmed Xaashi waxa la waydiiyey bal faraqa aragtidiisa u dhexeeya ra’yigii uu UDUB ka haystay intii aanu ka mid noqon ee uu ILAYS ahaa iyo markii dambe ee uu ka mid noqday, wuxuuna ku jawaabay "Horta axsaabta iyo dimoqraadiyaduba way inaga cusub yihiin, laakiin faraqa aan dareemayaa waxa weeye markii aanu ILAYS ahayn taageerayaashayadu debedaha ayey u badnaayeen, iminka oo aan UDUB ahayna gudaha ayey taageerayaashii iyo shaqadiiba xoog ku leedahay."
"Waxyaalaha aanu ku soo kordhinay xisbiga waxa ka mid ah xisbigii oo aanu hawlihiisa dardar gelinay iyo taageerayaashayadii debedda oo aanu ku soo xidhnay"ayuu yidhi afhayeenku, isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd bal waxa ay qoladoodii ILAYS ku soo kordhiyeen UDUB.
Marar badan ayey axsaabta mucaaradku ku celceliyeen inay isku milanyihiin UDUB iyo dawladdu, sidoo kalena waxay ku eedeeyaan UDUB ioy dawladda in hantida ummadda loo isticmaalo ololaha doorashada UDUB, sidaa darteed afhayeenka UDUB mar la waydiiyey arintaa wuxuu ku jawaabay "Way jirtaa inay dad badani sidaa u arkaan, waana laga yaabaa dareenka ay dad badan oo mucaarad ahi hadda qabaan inaan aniguba qabi jiray markii debedda ka joogay UDUB,laakiin sidaa way ka duwan tahay, waayo wixii baan ku dhexjiraa, masalan marka aad eegto isku milanka la sheegayo marka aad eegto xubnaha golaha dhexe ee xisbiga waa 161 xubnood, intaasna 5 wasiir iyo gudoomiyaha iyo gudoomiye-xigeenka ayuun baa xukuumadda ka tirsan, inta kale waa wada rayid, hawl-maalmeedka xisbigana waxa wada 19 xubnood oo guddiga fulinta ah, sagaal iyo tobankaas wax xukuumadda ah gudoomiyaha iyo gudoomiye-xigeenka, 17-ka kale waa rayid, toddoba iyo tobankayagaa oo uu xoghayaha guud ka mid yahay ayaa hawsha wada."
Sidoo kale Axmed Xaashi waxa uu ku dacwiyey inaanu xisbigoodu isticmaalin lacagta dawladda.
Sida la ogyahay magaalooyin badan ayaa lagu ismariwaa saameeyey doorashadii maayarada ee golayaasha degaanka, taas oo aan meelo qaarkood ilaa hadda waxba laga dooran, sababta ismariwaagana waxay axsaabta mucaaradku eedeeda dusha ka saaraan xisbiga UDUB iyo weliba maamulayaasha dawladda, laakiin afhayeenka oo la waydiiyey arintaa waxa uu yidhi "Xubnaha golaha degaanka ee xisbigayada xaq baanu u leenahay inaanu kala qayb galo maamulkii iyo taladii oo tusaale ahaan hadii ay saddex musharax oo xisbigayaga ahi isa soo taagaan xaq baanu u leenahay inaanu kala saaro, mana jiro wax khasab ah oo aanu cid ku samaynaa."
Xubnaha golayaasha degaanku sida la ogyahay waxay kuraasta ku yimaadeen axsaab, laakiin doorashadii ka dib waxa soo baxay sheekooyin odhanaya waxay xubnihii golayaashu u kala safteen beelo, taasina waxay meesha ka saartay ama khatar ku tahay mabaadi’dii axsaabta looga dan lahaa, sidaa darteed xafhayeenka UDUB mar la waydiiyey sida uu taa u arko wuxuu yidhi "arintaasi waa mid dhaqankeena ku jirta, xisbi ahaana dareenka caynkaas ah waanu dareenay, laakiin anagu waxaanu samaynay barnaamij meesha ka saaraya beelnimo, kaas oo ah inay raacaan shuruudo xisbigu samaystay, balse maalin ma wada jari karo qabiilka, waxaynuse u baahanay inaynu talaabo-talaabo uga baxno."
Top
Gebilay: Is
Mari Waagii Xubnaha G/Deegaanka, Iyo Dhaartii Xagal-Daacday Ee
Mucaaradka |
Warbixin - weriyaha HAATUF ee Gebilay
Gebilay (Haatuf): Fadhigii ugu horeeyey ee golaha degaanka Gebilay ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo 8-da bishan oo ku began Sabtida berito, laakiin marar dhawr ah oo loo balamay ama la mudeeyey ayuu hadana baaqday fadhiga golaha degaanka Gebilay, taasna waxa ugu wacnaa looolan iyo ismariwaa la xidhiidha doorashada maayarka iyo maayar-xigeenka degmada Gebilay.
Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan Xuseen ayaa warbixin ka diyaariyey marxaladihii uu loolankaasi soo maray iyo halka ay hadda xaaladdu marayso, waana tan warbixintii:
"Degmada Gebilay waxa uu golaheeda degaanku ka kooban yahay 21 xubnood, taas oo aya degmada Gebilay la derejo tahay shanta magaalo-madax ee shanta gobol ee kale marka laga reebo caasimadda Hargeysa oo uu goleheeda degaanku ka kooban yahay 25 xubnood. Laakiin 21-ka xubnood ee golaha degaanka Gebilay waxay ka soo kala baxeen afar urur-siyaasadeed oo kala ahaa: UDUB, KULMIYE, HORMOOD iyo UCID, taas oo ay UDUB heshay 10 xubnood, halka uu HORMOOD-na helay5 xubnood, KULMIYE-na helay 4 xubnood iyo UCID oo helay 2 xubnood.
Xubnaha ka soo kala baxay saddexda urur ee KULMIYE, HORMOOD iyo UCID ayaa bilowgii gooni isugu baydhay, iyaga oo iska xulafaystay xubnaha UDUB, waxayna xubnaha saddexda urur ee is xulafaystay wada galeen axdi adag, taas oo ay xubno aan la sheekaystay ii sheegeen inay dhamaantood isku dhaarsadeen kitaabka quraanka kariimka ah, sidaana ku galeen wacad adag, ka dibna waxay arintaasi degaanka Gebilay ka dhalisay dood xiiso leh, taas oo ay dadku aad isu waydiiyey sababta keentay inay xubnaha saddexdan urur isu boodaan, iyadoo aan la filayn taas, laakiin dhaarta ka sokow waxa jiray waxyaalo ay ku heshiiyeen, waxaana waxyaalaha ay ku heshiiyeen ka mid ahaa, inaanay kow iyo tobankooda xubnood mar qudha codkooda siin nimanka UDUB ee u sharaxan maayarnimada, taas oo maadaama doorashada wax lagu kala helayaa tahay cod hal-dheeri ah ay xubnaha saddexda urur ee bahoobay aqlabiyadda noqonayaan, arintaasina waxay culays badan ku noqotay xubnaha jagada maayarnimada uga sharaxan UDUB, waxayna arintu gaadhay inay saddex ka mid ah afar xubnood oo UDUB uga sharaxnaa maayarnimada ay ka tanaasulaan, taas oo ay tobanka xubnood ee UDUB dhammaantood isku raaceen inuu musharaxa keliye ee UDUB ee u taagan maayarku uu noqdo, Muxumed Geelle Seed oo hore maayar uga soo noqday degmada Gebilay intii u dhexaysay 1997-kii-1998-kii, iyaga oo maayar-xigeenkana u qoondeeyey mucaaradka.
Xubnaha UDUB maadaama aqlabiyadda laga leeyahay waxay dadku iswaydiinayeen meesha ay xubinta ka dhiman ka keeni karaan, waxayse xan laga soo xigtay dhinaca xubnaha UDUB ayaa tibaaxday inay dhinaca mucaaradka ka filayaan xubinta ka dhiman, laakiin filashada caynkaas ah markii la maqlay waxay dad badan ku noqotay la yaab iyo wax aan suurtoobayn, waayo maadaama ay 11-ka xubnood ee mucaaradku kitaab quraan ah isku dhaarsadeen, axdi adagna wada galeen, waxa sheekada xubnaha UDUB loo arkayey riyo, laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay maxay sheekadaasi ku dambaysay?
Xanta qaar baa lahayd xagga xukuumadda iyo xagga hogaanka sare ee UDUB ayaan laga doonayn inuu xubnaha tobanka ah ee UDUB ka soo baxo ninka maayarka Gebilay noqonayaa, taas darteedna loo gacan haadinayo dhinaca mucaaradka, iyadoo ay sababta sidaa loo yeelayaana tahay ragga safka hore ku soo jira ee UDUB oo laysku qardoofay xarakadii doorashada.
Waxay socotaba badhasaabka gobolka Hargeysa ayaa markii u horaysay 20-kii Jananweri ,2003 u mudooyey maalinta fadhiga golaha degaanka , maalmahaasna waxay kulamo gaar ahi u socdeen xubnaha mucaaradka ah ee saddexda urur ee KULMIYE, UCID iyo HORMOOD, laakiin isla maalmahaa waxa suuqa soo galay warar sheegaya inay shantii xubnood ee HORMOOD ku biireen KULMIYE iyo inay mucaaradku musharaxa maayarka u soo xuleen ninka la yidhaahdo, Maxamuud Sheekh Xuseen oo ka mid ah HORMOOD, sidoo kalena waxay mucaaradku maayar-xigeenka u soo xuleen, nin la yidhaahdo Ibraahin oo ka mid ah UCID, kana soo baxay degaanka Allaybadday. Hase yeeshee fadhigii golaha degaanka ee loo ballamay 20-ki bisha Jananweri waxa maalmo ka dib soo baxay warar sheegaya inuu mar kale dib u dhigay wasiirka daakhiligu, una mudeeyey 26-ka bishii Jananweri, iyadoo taa sababteedana lagu micneeyey murug ka taagan loollanka madaxtinimada degmada. Laakiin mudadaasna waxba kuma qabsoomin, waxaana mar saddexaad dib loogu riixay 8-da Febarweri oo berito ah.
Dadka qaar ayaa dib u dhigidda faraha badan u arka inay ka dambeeyaan xukuumadda ioy hogaanka sare ee UDUB, taasina ay tahay fara-gelin loo badheedhsan yahay.
Maalmihii u dambeeyey ee ina dhaafay ayey mar qudha wax iska bedeleen labadii daraf ee la kala taagnaa, ka dib markii uu xubin mucaaradka ka mid ahi u soo jabay dhinaca UDUB, xubintaas oo ka tirsanayd HORMOOD waxa uu aqlabiyad ka dhigay dhinaca UDUB, taas oo uu ka dhigay 11 xubnood, halka ay dhinaca mucaaradkuna noqdeen 10 xubnood.
Ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo, Maxamed Mahdi Ibraahin waxa uu ka mid ahaa xubnaha HORMOOD ee laga soo doortay degaanka Allaybadday, ayaa dabayaaqadii toddobaadkan mar aan kula kulmay magaalada Gebilay waxa ii xaqiijiyey inuu si buuxda ugu biiray UDUB, wuxuuna I tusay kaadh cadaynaya xubinimadiisa UDUB.
Maxamed Mahdi waxa kale oo uu ii sheegay inuu u sharaxan yahay jagada maayar-xigeenka Gebilay, laakiin mar aan waydiiyey halka uu ka dhaafay axdigii iyo dhaartii ay wada galeen saaxiibadiisii kale ee ururada mucaaradka wuxuu ku jawaabay " Horta way jirtay inaanu isku dhaarsanay kow iyo tobankayaga xubnood inaanaan UDUB u codayn, laakiin anigu markaygii horeba damac ayaan lahaa, waana u sheegay damacayga, balse way ila qaadan waayeen, ka dibna xubnaha UDUB ayaan ka helay wixiia aan doonayey, ta kale anigu ma codaynayo ee aniga ayaa la ii codaynayaa, taas darteedna mar hadii aanan codaynayn UDUB cod aan siinayaa ma jiro." Laakiin marka la isku soo ururiyo waxa uu Maxamed Mahdi ku biiridiisa UDUB si kooban ugu macneeyey inuu helay wixii uu damaciisu ahaa.
Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene, sabtida berito ayaa la filayaa inuu golaha degaanka Hargeysa fadhiisto markii u horaysay tan iyo intii la soo doortay, waxaynuna ka war-sugi doonaa sida wax u dhacaan."
Top
Ma Hana-Qaadi Doonaan Xisbiyada Curdinka Ah Ee Somaliland |
Faallo --- Carraale M. Jaamac
"Maanta waxa Ilaahay loogu mahadiyaa, inay inoo jiraan xisbiyo mucaarid ahi, laakiin waxa loo baahan yahay inaan loo arkin Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe ee waa in loo arkaa xisbiyo oo la taageeraa oo aanay noqon axsaabtaa curdinka ahi, kuwo halkaa ku hagaasa oo ku baaba’a" sidaa waxaa yidhi Mudane C/Qaadir Jirde oo ka hadlayay ahmiyada iyo qiimaha ay axsaabtu u leeyihiin qaranimada Somaliland.
Laakiin waxa muuqda sida aanay shacbiga Somaliland fikrado fiican uga haysan waxtarka iyo ahmiyada ay jiritaanka axsaabta mucaarid ahi u leeyihiin qaranka iyo horumarka bulshada.
Marka arrintaa laga hadlayona waxa tusaale loo soo qaadan karaa waxyaabihii dhacay muddadii doorashada golayaashaa deegaankaa ee 15/12/02 ee ka soo baxay deegaanka iyo tartankii ururada siyaasadda, kuwaasoo fadhiyada ay ku dooran lahaayeen maayaraada ay abuureen khilaaf iyo carqalado beelaysan, balse aan ahayn qaar ku xidhiidhsan loolan afkaareed iyo mabaadi’ii xisbi.
Laakiin waxay arrimahaasi noqdeen kuwo ka majara habaabay himilooyinkii iyo ujeedooyinkii ay bulshaadu higsanaysay ee nidaamka habka dimuqraadiga ah ee tartanka axsaabta badan ku tilmaameen qaabka ay golayaashii deegaanku isu rogeen mid aan u qalmin sidii ay codadka u taagnaayeen iyo sida ay raggii ku soo baxay kuraasta golayaasha deegaanku uga marin habaabeen habkii iyo nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee ay xisbinimada uga soo baxeen ee ay isugu rogeen hab beeleedka, isla markaana ay qaarkood meeshaba ka saareen xisbigii soo sharaxay iyo ujeedooyinkii, hadalkii iyo siyaasadii axsaabtii ay ka soo baxeen, ama ha gudbo ama yaanu gudbine.
Inkasta oo ay dhaliilaha qaarkoodna qaar lala xidhiidhin karo axsaabta oo aan marka horeba masraxa keenin dad bisil oo garaadkooda ka run sheegi kara aaminsanaanta iyo ujeedooyinka xisbiyadii ay ka soo baxeen, taasoo ay ujeedadeedu ahayd oo kaliya hirgalinta gole deegaan oo noqda kuwa ka turjuma rabitaanka iyo baahida ka jirtay deegaan walba si ay wax uga qabtaan, isla markaana ay meesha u timaado wax qabad iyo xisaabtan, laakiin dhinaca kalena waxay ahayd yagleelida xisbiyo qaran oo ka soo dhex baxa bulshaada, kuwaasoo astaan u ah qaran aasaaskiisu yahay tartan iyo nidaam dimuqraadi ah oo ummadda u horseeda horumar iyo guulo la taaban karo.
Hase yeeshee nidaamka Somaliland ee ahaa hab dhaqankii beelaha iyo habka casriyaysan ee dimuqraadiga ah ayaa noqday mid bulshada dhexdeeda awood wayn ku leh.
Iyadoo la odhan karo ashkhaasta golayaasha deegaanka ka soo baxdayna, waxay ka soo baxeen bulshada. Laakiin waxa meesha ka maqan kaalintii hirgalinta iyo dhiiri galinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinka xorta ah ee dhinaca xukuumadda hab beeleedka ahayd ee la rabay inay samayso wacyi galin si ay hanaanka tartanka xisbiyada iyo dimuqraadiyada ay iyadoo qaab beeleedka ugu celinayso.
Isla markaana ay ku ilaashanayso oo kaliya danaheeda kursiga iyo awooda maamul, laakiin aanay fahamsanayn muhiimada ay leeyihiin jiritaanka iyo hirgalinta axsaabta mucaarid ah waxa qudha ee tusaale u noqon karaa baahida loo qabay isbedel siyaasadeed iyo in la helo nidaam dimuqraadi ah oo ay bulshada Somaliland u oomanayd, taasina ay tahay mida qudha ee sababatay halgankii hubaysnaa, jiritaanka iyo in la helo axsaab mucaarad oo xoogani waa danaha iyo horumarka bulshada Somaliland.
Sida ku cad dastuurka qaranka, laakiin sida meelo ama dalal badan oo Afrika ah ka jirta maaha danta Somaliland (One party system) nidaam xisbi kaliya ee waa nidaamka xisbiyada badan.
Hase yeeshee waxaad moodaa inay muuqdaan astaamo shaki iyo mugdi galinaya jiritaanka iyo qaan gaadhnimada axsaab mucaarad ah oo awood xoogan lihi, inay ka hana qaadaan qaranka yagleesha ah ee Somaliland.
Inkasta oo ay dastuurka qaranka ku cadahay sinaanta iyo tartanka xisbiyada badan ee Somaliland, haddana waxaa aan wax cusub ahayn inaanay hogaamiyayaasha Afrika jeclayn habka dimuqraadiga ah iyo ku dhaqanka shuruucda iyo xeerka dalka, laakiin ay door bidaan isku adkaynta awooda iyo inay cabudhiyaan axsaabta mucaaradka ah.
Si kastaba ha ahaatee xukuumadda waxa looga fadhiyaa inay lagama maarmaan tahay in aanay iska indho tirin sida ay shacbiga Somaliland ugu ooman yihiin hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyo sidii ay u hana qaadi lahaayeen xisbiyada mucaaradku.
Top
Warbixintii Colin Bowel Uu U Jeediyay G/Amaanka Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay |
New York (W.Wararka) - Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Colin Bowel ayaa maalintii Arbacadii ee dorraad golaha Amaanka ee Q. Midoobay u jeediyay khudbad uu ku tilmaamay inuu caddaymo u hayo eedaymaha uu Maraykanku u jeedinayo Ciraaq ee ku saabsan hubka halista ah iyo in Ciraaq ay ku xad-gudubtay qaraarkii Golaha Ammaanka ee lambarkiisu ahaa 1441, taas oo adduunyadu ka bixisay aragtiyo kala duwan.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Chirac oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in warbixinta Maraykanku aanay khasab ka dhigayn dagaal haatan lagu qaado Ciraaq iyo in ay tahay in arrintaas dib looga fiirsado. Chirac wuxuu sidaa ka sheegay mar uu qaabilay madaxa hay’adda Xuquuqal Insaanka ee Q. Midoobay oo haatan booqasho ku jooga Faransiiska.
Dawladda Turkiga ayaa iyaduna caddaysay sida ay uga soo horjeedo weerar uu Maraykanku ku qaado Ciraaq iyo inuu u adeegsado sal-dhigyada uu ku leeyahay Maraykanku dalka Turkiga, waxaan sidaa sheegay ra’iisal-wasaaraha Turkiga Cabdalla Quul, isaga oo intaa ku daray in aany dawladdiisu marna garab siinayn weerarka uu Maraykanku damacsan yahay inuu ku qaado Ciraaq. Waxa kaluu sheega. Waxa kaluu sheegay in haddii Maraykanku uu qaado tallaabo isaga isaga u gaar ah ay taasi meel-ka-dhac ku tahay qaraarada caalamiga ah.
Dawladda Ciraaq oo iyaduna jawaab ka bixisay hadalka Colin Bowel ayaa sheegtay in uu Maraykanu doonayo oo qudha sidii uu u fushan lahaa danihiisa gaarka ah, iyadoo intaa ku dartay inuu Bowel golaha ammaanka ka iibinayo boro-bagaandho iyo been-abuur ku wajahan Ciraaq. Waxa kaloo ay sheegtay Dawladda Ciraaq in uu Maraykanku qiil u raadinayso weerarka uu damacsan yahay inuu ku soo qaado, kaasoo uu haatan ku jiro diyaar-garowgiisa.
Arrimahani waxay ku soo beegmeen iyadoo uu Maraykanku ku sii ururinayo khaliijka ciidamo fara badan oo ay tiradoodu gaadhayso 100,000 oo askari, iyadoo la sheegay in tobanaan kun oo kalena ay dhowaanahan gaadhi doonaan, kuwaasoo ay dheer yihiin qalabka iyo saanada militeri oo aad u fara badan.
Dawladda Ingiriiska oo iyadu ku raacsan Maraykanka weerarka uu damacsan yahay inuu ku qaado Ciraaq ayaa iyaduna u dirtay Khaliijka mid ka mid ah maraakiibteeda dagaalka oo sida boqol diyaaradood oo ay la socdaan ilaa 7000 oo askari, waxaanay sheegtay inay hub kalena dhowaan geyn doonto.
Gud ahaanba khudbadda uu Colin Bowel ka jeediyay Golaha Ammaanka hortiisa adduunyadu waxay ka yeelatay aragtiyo kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah dalalka aduunku ay ku taagereen balse ay intooda badani ka soo horjeesteen marmarsiinyaha Maraykanka ee ah inuu weerar ku qaado Ciraaq.
Top
Dawladda Sucuudiga Oo Ka Digtay Rabshado Ka Dhaca Gudashada Xajka |
Riyad (W.Wararka) - Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay maalintii shalay in aanay oggolaanayn wax rabshado, ama mudaharaado ah oo ka dhaca dhulka Barakaysan muddada lagu jiro gudashada waajibaadka xajka.
Sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha ee Sucuudiga Amiir Naa’if binu C/casiis oo maalintii shalay ka hadlayay shir-jaraa’id Dawladda Sucuudigu waxay adkaysay ammaanka goobaha barakaysan muddada uu socdo xajku, isagoo intaa ku daray in aanay qofna u oggolaanayn in wax rabshado ah la sameeyo.
Amiir Naa’if oo madax ka ah Guddiga sare ee Arrimaha Xajka u qaabilsan Sucuudiga waxa uu intaa ku daray in ay diyaariyeen ciidamo gaadhaya kumanaan kun oo askari si ay u sugaan amaanka muddada uu socdo xajku, qaar kale oo dheeraad ahna waa la heegan geliyay.
Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee Sucuudiga ayaa soo bandhigay dhoola-tusyo ay ugu diyaar-garoobayaan sugidda ammaanka Xajka, waxaanu wasiirku sheegay in ay ka qaadi doonaan tallaabada ku haboon cid kasta oo isku dayda inay rabshado ka samayso xajka. Sababta ay Dawladda Sucuudigu u adkaysay ammaanka Xajka ayaa lagu tilmaamay inay tahay xiisadaha haatan kacsan ee ka taagan gobolka Khaliijka marka la eego diyaar-garawga Maraykanka ee ah sidii uu weerar ugu qaadi lahaa Ciraaq oo ay jaar yihiin Sucuudiga, taas oo kelliftay in Dawladda Sucuudigu si gaar ah u adkayso xuduuda ay la leedahay Ciraaq.
Sida ay sheegayaan warar ka imanaya Sucuudigu dad ay tiradoodu gaadhayso hal milyan Saddex boqol iyo kow iyo toban qof oo xujaaj ah ayaa haatan gaadhay dhulka barakaysan, iyadoo lagu wado inay tiradu intaa ka sii badato maalmaha soo socda.
Sannad kasta malaayiin muslimiin ah ayaa Sucuudiga u taga gudashada waajibaadka Xajka, iyadoo dhawr jeer oo hore ay ka dhaceen rabshado iyo dhibaatooyin kale oo ay ku dhinteen dad badan oo xujaaj ahi.
Hadalkan ka soo baxay Dawladda Sucuudigu wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay maalintii shalay golaha sare ee culimada Sucuudigu ay soo saareen fatwo ama Xukun ay kaga digayaan in wax weerar ah lagu qaado dadka aan muslimiinta ahayn iyadoo qiil looga dhigayo cadhada ay muslimiintu u hayaan Maraykanka, isla markaana waxay culimadu cambaareeyeen weerarada loo geysto dadka ajaanibka ah meel kasta oo ay joogaan.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 82aad
Mingistu: Iska wax la dilo oo xataa may jirin cid la dhirbaaxay ama la xidhay.
Ganat: Ka hor bishii sabtembar 1976-kii IHABA-da iyo qolyihii kale ee mucaaradka ahaa si loo baabi’iyo waxay dhregigu geysteen xasuuqyo, taasi miyaanay jirin?
Mingistu: Nimankaasi (IHABA) waxay ahaayeen niman aanu u baahnayn oo waxaanu doonaynay inay kacaanka ka qayb galaan, markaa waa maxay sababta aanu u laynaynaa. Tusaale ahaan niman ay ka mid yihiin: Tasfaaye Dabbassa, Alan Aante, Biniyam Adaane iyo kuwo kale oo xubno ka ahaa IHABA waxay ka shaqayn jireen wakaaladda degaanka iyo beeraha , dabadeedna kooxahayagii iyo qaar kale oo iyaga ka tirsan iyo weliba qolooyin kale ayaa guddi wada samaystay, ka dibna guddigaasi waxay noo soo bandhigeen qorshayaal la xidhiidha sida arimihii dhulka looga gudbayo, xiligaasna markii la sameeyey ururo bulshada ah waxa la soo saaray qorshe heer qaran ah oo meel-dhexe wax la isugu keenay, taas oo cid walba dareenkiisa ama aragtidiisa shakhsiga ah loo aqoonsaday, laakiin mawqiflayagu waxa uu ahaa inaanu mid ahaano oo aanu ka hortagno nidaamka isku dulnoolaadka, isla markaana aanu kacaanka Itoobiya hirgelino ayey ujeedadayadu ahayd, basle nasiib daro waxa dhacday IHABA-du inta ay waxyaalo aan jirin is-dhexqaadsiisay ayey dhibaato aan loo baahnayn Madaxa la gashay, waayo magaalo kasta inta ay dhexgaleen ayey wixii anaga naga tirsan ama na raacsan dileen, iyaga oo u malaynayey inay sidaa xilka ku heli karaan, sidaa awgeed khaladka ugu weyn ee ay IHABA-du samaysay kaas ayuu ahaa, laakiin hadii aanay sidaa yeelin, waxa dhici lahayd inay niman badan oo IHABA-da ka tirsanaa oo doonayey inay anaga nala soo saftaan oo ay dalkooda wax u qabtaan ayaa si yar oo fudud u dhintay, nimankaas oo ay ku jireen niman raganimo badani halkii ay halganno aan loo baahnayn ku naf-waayeen hadii ay nala soo saftaan waxaanu aaminsanayn ama aanu is lahayn adkaynta dhaqdhaqaaqa kacaanka ayey idinla adkayn lahaayeen, ta kale IHABA-du golaha dhergiga dhexdiisana way ku jireen oo waanu la shaqayn jiray.
Run ahaantii IHABA-du xitaa markii ay Adis-ababa gudaheeda iyo magaalooyinka kaleba dadka ku xasuuqayeen anagu kamaanu quusan, waayo wixii aanu ku wada hadli jiray af-qudha ayuu ahaa, isla markaana dhaqdhaqaaqyadii ay ardayda dhexdeeda ka samaynayeen waxa uu la xidhiidhay arimaha isku midka laga ahaa, ta kale dhulkii waxa la siiyey beeralayda, sidoo kale mawqifkii aanu qaadanay ama ku soconay waxa uu ahaa hantiwadaag dhab ah, markaa waxay iswaydiintu noqonaysaa maxay doonayaan IHABA-du, halkee baanuse iska dhaafsanahay, maxayse tahay sababta ay dhinac noogu riixayaan ?. Sidaa awgeed su’aalaha caynkaas ah inta aanu iswaydiinay ayaanu IHABA-da la samaynay wada tashi waqti dheer qaatay, laakiin wadatashigii aanu samaynay fekradihii la is dhaafsanayey ama la isu jeedinayey wixii aanu ka korodhsanay waxa uu ahaa inay dhibaatada IHABA-da haysatay ay ahayd mid ka imanaysay maamulkooda sare, waayo nimanka maamulka IHABA-da hayey ee shacbiya (Jabhadda Ereteriya) taageerada siinayey waxay ahaayeen niman ka soo jeeda gobolada waqooyiga Itoobiya, sidaa darteed sababta keliya ee dhibaatada keentay waxay ahayd nimanka waqooyiga ka soo jeeday ee maan-gaabyada ah oo maamulka hayey. Tusaale ahaan Birhaanu Masqal markii uu duurka (Kaynta) ku jiray ninka IHABA-da ah ee Adis-ababa fadhiyay ee anaga iyo kuwa kaleba nagu amrayey in intaas oo qof xasuuq loo geysto waxa uu ahaa Tasfaaye Dabassa, sidaa darteed dhiigyacabyadii Shacbiya (Jabhadii Ereteriya) iyo IHABA-du wada jir ayey u shaqayn jireen, waxayna lahaayeen ujeedooyin khaas ah. Laakiin anagu xiligaa wararka aanu ka haynay Wayaanaha (Tigraay) aad iyo aad bay u jilicsanaayeen, balse marar dambe oo aanu arimahooda wax ka fahamnay waxaanu ogaanay inuu gobolku Tigree-gu doonayo samaysanayo urur u gaar ah oo gobanimo doon ah, hase yeeshee Ereteriyaanku waxa ay damacsan yihiin ma qarsoonayn oo waxay ahayd sir shaaracyada dhextaal, waayo fekradoodu waxay ahayd in iyaga oo IHABA-da k dhiganaya hub ay isticmaalaan in Tigree-ga la abaabulo, ka dibna Ereteriya iyo Tigraay la isku daro oo ay midoobaan, dabadeedna ay Itoobiya oo dhan halkaa ku masaxaan (Baabi’iyaan), taas ayey doonayeen. Sidaa awgeed mar hadii ay mawqif noocaas ah la soo baxeen inaanu arinta dhayalsano may ahayn, markaa waxay noqotay in nimankaa loo jawaabo, dabadeedna inta aanay arintu farahayaga ka bixin, isla markaana aanay meesha ka bixin kalsoonidii ay shicibku nagu hayeen ayaanu is tusnay khatarta muuqatay iyo inay khasab tahay inaanu arintaa jawaab ka bixino, ka dibna waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu arintaa jawaab ka bixino.
Xubno badan oo MA’ISO ka mid ahaa oo ay ka mid ahaayeen Nagade Gobase iyo qaar kale o xulafadooda ahaa markii ay ogaadeen in la gelayo (Lala dagaalamayo) aad ayey uga xumaadeen, wayna ka xanaaqeen go’aanka caynkaas ah. Laakiin arinta meesha taalay waxay ahayd shicibka oo nagu yidhi "Maxaa naloo laynayaa iyo yaan nala layn", isla markaana shicibku waxay isugu soo baxeen banaan-bax weyn. Sidaa darteed maadaama ay dadweynuhu isugu soo baxeen mudaharaadka intaa le’eg laguma odhan karayn "Afkiina haysta ilaa inta aad dhamaanaysaan", taas awgeed khasab ayey nagu noqotay inaanu talaabo qaadno. Hadii aanaan arintaa talaabo ka qaadina way noo dhamayn lahayd, waxaana loo arki lahaa qof si badheedh ah iskii isu dilaya. Laakiin arinta la yaabka lihi waxay ahayd haba yaraatee wax hub ah maanu haysan, sidaa darteed qoryaha la yidhaahdo Dimoortar oo uu Ingiriisku dagaalkii labaad ee dunida u sameeyey dalka Hindiya ayaanu ku soo iibsanay lacag jaban, ka dibna xaafad kasta waxaanu dhignay toban qori oo Dimoortar ah iyo toban xabbo oo rasaastiisa ah, dabadeedna shicibkii ayaanu ku nidhi "Isku difaaca", sidaas ayaanuna shicibkii ku hubaynay...
La soco cadadka dambe.
Top
Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga |
Q: 6aad Qiso Dhab Ah - Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire
"Marki aanu Caddan tagnay waxaan raacay tagsi oo aan rubad siiyey, wuxuuna I geeyey gurigii, ka dibna gurigii baa qol lay siiyey, berigaasna qaad iyo sigaar toona ma cuni jirin, laakiin waxa Caddan iga helay koox I waashay oo uu watay nin la yidhaahdo Xirsi Baal-baal, dabadeedna balwaddii iyo heedhe-heedhadii ayaan raacay, ka dibna lix sannadood ayaanan cidna juuq u soo odhan, maalintii dambe ayaan aniga aqal fadhiya aqalkii ku gubtay, waxayna ahayd xagaa kulul, ka dibna iyadoo ay xabbad sigaar ahi ii shidan tahay ayaan gurigii debedda uga soo baxay ayey Aamina meel halkaas ah igaga soo baxday, markii aan isha ku dhuftay ayaan idhi qoodh iyo xero waa Aamina, markaas ayey soo socotay oo way I salaantay oo waxay igu tidhi "Maxaad sheegtay", "Waa nabad" ayaan ku idhi, markaas ayaan ku idhi "Oo tumaad ahayd", markaas ayey tidhi "oo miyaad I garanayn", markaas ayaan ku idhi "Oo maalintiiba boqolaal dumar ah ayaan arkaa ee maxaan kaa garanayaa", waana garanayaa ee kiiska ayaan iska waalayaa. Dabadeedna markaas ayey tidhi "Waar anigu ma ihi naagaha Cadmeed ee waxaan ahay Aamina Suldaan oo adiga ayaan ku doonayey ee bal warran", Markaas ayaan gacan mayd ah oo baqdin ah ku salaamay oo aan ku idhi "Naa waa fiiacanahay aniguye bal caruurtii iyo reerkii iyo dadkii ka warran", markaas ayey tidhi "Waa la nabad qabay, waana la wanaagsanaa", markaas ayaan ku idhi "Maxaa maanta ku keenay Caddan ee aad doonaysay", markaas ayey tidhi "Adiga ayaan ku doonayey oo gabadhaadii oo sagaal jir ah ayaa la doonay", markaas ayaan idhi "Ma gabadha sagaal jirka ah ayaa la doonay"...
La soco cadadka dambe.
Top
Siciid Guraase
Waajibaadka Xajka iyo Axkaamtiisa
Sida aynu ognahay waxa ay dadka muslimiinta ah ee adduunka isku diyaarinayaan gudashada waajibaadka xajka oo ay intooda awooda u yeelatay ama Ilaahay waafajiyay ay gaadheen ama u sii jeedaan magaalada barakaysan ee Maka Al-Mukarama oo uu ku yaalo masaajidka barakaysan ee Xaramku.
Xajku wuxuu astaan midnimo u yahay dadka islaamka ah oo meelkasta isaga yimaada goobkastana ku wada cibaadaysta iyagoo waynaynaya Ilaahay. Islamarkaana fulinayaa amarkiisa kuna dayanaya sunihii iyo dariiqii uu Rasuulku (SCW) u jeexay dadka muslimiinta ah.
Sidaa darteed waxaynu qormadeenan iftiinka Islaamka ku soo qaadanaynaa xajka iyo axkaamtiisa.
Xajku waa rukniga shanaad ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo kaliya qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytulxaraamka isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka warano waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan haddii ay awoodaan.
Intii ka horeysay waqtigaa waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii Qureysheed, waqtigaana Nebiga (s.c.w.) iyo asxaabtu may awoodin in ay si fiican u gutaan xajka.
Xajka qofkii diida ama inkira waa gaal hadii aanu jaahil ka ahayn arrinta xajka, tusaale ahaan haddii uu yahay qof mar dhaw soo islaamay oo kale oo aan si fiican u garanayn xukunka xajka qofkaas waa loo cudur daarayaa.
Dhinaca fadligiisa hadii aynu eegno aad bay uga waramayaan nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkuba, haddii aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oo uu wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yidhi:" Rasuulka (CSW) ayaa la weydiiyay camalka ugu fadli badan ?" Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi:" in Ilaahey iyo Rasuulkiisa (CSW) la rumeeyo," ka bacdi waxaa la waydiiyay " maxaa ku xiga?" wuxuu yidhi:" Rsuulku (SCW) Jihaad Ilaahay dartii loo galay", kabacdi waxaa la waydiiyay:" maxaa ku xiga?"." Wuxuuna yidhi:" Xaj Baari ah" ama aqbalaan.
Waxaa kaloo Rasuuku (CSW) yidhi xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujaayda iyo dadka cimrada gudanaayaa ay yihiin wafdi Ilaahay, oo ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaaha dambi dhaaf weydiistaana laga aqbalo oo loo dambi dhaafo. sidoo kale wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay in xajka abaalmarintiisu tahay Janno.
Bilaha xajku waa bisha Shuwaal (Soonfur), Dulqacda (Sidataal) iyo tobanka beri (maalmood) ee ugu horeysa bisha dulxaj (Arrafo).
SHURUUDAHA XAJJKA
Waxaa shardi u ah qofka xajka gudanaaya arrimaha soo socda:
-
Inuu muslim yahay.
-
Inuu caqli qabo oo aanu waalneyn.
-
Inuu qaan gaadh yahay.
-
Inuu xoryahay
-
iyo inuu awoodi karo (xoolo iyo jidh ahaan ba) inuu xajka guto
Waxaa kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu maxram la socdo.
Meelaha laga xidhanayo waxaa jirta shan meelood oo laga xirmanayo Xajka waxeyna kala yihiin.
-
Dul-xuleyfa oo ay reer Madiina ka xidhaan.
-
Jux-fax oo ay reer Shaam ka xidhaan.
-
Qarnul-manaasil oo ay reer Najad ka xidhaan.
-
Yalam-lam oo ay reer Yamneed ka xidhaan. dadka dhinaca Soomaalida ka tagaana halkaa ayey ka xidhaan.
-
iyo Daatu-ciraq oo ay reer Ciraaq ka xidhaan..
Hadaba waxaa la karaahiyeystay ama aan fiicnayn inuu qofku xidho xajka isaga oo aan soo gaadhin shantaa meelood ee kor ku xusan ee uu kaga xirmanayo xajka maxaa yeelay Nabiga (CSW) ayaa waqtiyeeyay.
Waxaa jira saddex nooc oo qofku u gudan karo xajka.
-
Tama tuc oo ah inuu qofku xirmado Cumrada bilaha xajka gaar ahaan ka bacdi marka bisha Shuwaal soo gasho ka dibna ka firaaqooda (ka baxo) cumradii oouu xidho xajkii.
-
Qiraan (xidhiidhin) oo ah inuu is raaciyo cimrada iyo xajka labadooda oo wada xirmado.
-
Ifraad (keliyeelid) oo ah inuu qofka xirmado xajka oo kaliya.
Culimada Islaamka badidoodu waxay qabaan inuu qofku dooran karo kii uu rabo sedaxdaasi nooc, waxaa la isku khilaafay kan ugu fadli badan saddexda nooc waxaase la door biday Tamatuca kaasi oo Nabigu (CSW) ku booriyay asxaabtiisa isaguna sameeyay.
Sidee loo gutaa xajka?
Ugu horeyn waxaa loo baahan yahay inuu qofku xirmado xajka, oo ah maalinta sideedaad ee bisha Dul-xaj (Arrafo) marka uu xirmanayana waxaa looga baahan yahay.
-
in uu maydho oo uu is cadriyo.
-
in uu xidho dhar cadcad, gabadhuna ay xidhato wixii ay rabto laakiin shardi waxaa ah in aanay is qurqurxinin.
-
inuu tukado salaadii faralka ahayd haddii ay tahay waqtigeedi si uu markaas ka bacdi u xidho haddii aanay taagnayn salaad faral ahi waxa uu tukanayaa laba rakcadood oo sunna ah oo aan ahayn sunnihii ixraamka ka bacdi wuxuu la imaanaya talbiyadii xajka (labbeykallaahumma labbeyk, labbeyka laa shariika laka labbeyk.).
-
Ka bacdi wuxuu u baxayaa Minaa wuxuuna ku tukanayaa duhur, casar, maqrib , cishe iyo subax wuxuuna qasrinayaa (gaabinayaa) salaadaha kuwa la qasrin karo (Duhurka, Casarka iyo Cishaa’iga) isaga oo jamcinaaya (kulminaya).
-
ka bacdi wuxuu istaagayaa Carafa waana maalinta sagaalaad ee Bisha Dul-xaj. Waa rukni muhiima istaagidda la istaago Carafo ducada la duceystaana aad bay u kheyr badan tahay qofka aana xaajiga aheyn waxaa sunne ah inuu soomo.
-
in la seexdo Musdalifa marka laga yimaado Carafa waana qorax dhaca ka bacdi wuxuuna ku
tukanayaa maqrib iyo cishaa. Marka uu tukado salaada subax ka bacdi wuxuu u baxayaa Mash-caril Xaraam.
-
ka bacdi waxaa la tagayaa Minaa waxaana la tuuraya Jamratulcaqaba todaba goor ka bacdina waxaa la qalayaa neefkii hadyiga ahaa. Intaa ka kabacdi waxaa la xiiranayaa ama la gaabinayaa timaha haddii uu nin yahay. intaa kabacdi waxaa la dawaafayaa Kacbada waana dawaaful ifaada. kabacdi sacyigii (orodkii) ayuu la imaanayaa haddii aanu hore u sameyn intaa ka bacdi waxaa xaajigii u xalaaloobaya wixii ka xaaraam ahaa oo dhan ka bacdi xaajigu wuxuu sii joogayaa maalmaha ayaamu-Tashriiqa (maalmamaha 11, 12, iyo 13aad). Minaa, wuxuu tuurayaa sadex tuurimaad oo mid kastaaba tahay toddoba tuuryo oo isku xiga isaga oo qofku takbiiranaya tuuryo kasta oo uu tuuro. Ugu dambeyna qofku ama xaajigu wuxuu sameynayaa Dawaafulwidaac. Ka dibna wuxuu soo siyaaranayaa Masjidka Rasuulka (CSW) Haddii aynu soo qaadano waxyaabaha qofka xaajiga ah ka xaaraan ah inta xajka lagu gudo jiro waxaa ka mid ah.
-
inuu qofku la yimaado jimaac ama galmo.
-
inuu jaro cidiyaha.
-
inuu isticmaalo udug marka uu xirmado ka bacdi
-
inuu xidho galofis (gacma-gashi).
-
inuu jaro timaha inta Xajka lagu gudo jiro.
-
in la guursado ama la mehersado.
-
in la dilo xayawaanka ama la ugaadhsado
Top
Haweenku Ma Inaga Mutaysteen Inaynu Doorano
Waxaan muran ka taagnayn in dumarku kaalin muhiim ah kaga jiraan cududa qaran ku dhisan yahay. Dumarku waa cudud lagu tashado waxay leeyihiin xuquuq gaar ah, laakiin dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland way il-duufeen, xataa way lumiyeen xuquuqdoodii ay ku lahaan jireen haykalka dawleed.
Si kastaba ha ahaatee dumarka Somaliland miyaanay geyin Xukunka dawladeed? Waxaan leeyahay aragtidayda shakhsi ee Xukun ahaaneed waa inay Dawladda Somaliland saami wadaaga kuraasida badh laga siiyaa si caalamkan inaga sii jeedaa inoogu soo jeedsado.
Wakhtigan xaadirka ahna waxay sameeyeen dhaq-dhaqaaq ay doonayaan inay kaga muuqdaan masraxa siyaasadeed, isla waqtigan xaadirka ah iyaga oo aan ku ekayn hawshii guriga oo qudha balse masruuf-raadintii iyo dibad ka shaqayntiina kaalin wax ku ool ah ka muujiyeen, qaarkoodna ay leeyihiin aqoon iyo xirfado kala duwan ayaa waxaa nasiib-darro ah iyagoon ka muuqan shaqaalaha Dawladda marka laga reebo wasiiratul Edna oo Madaxweyne Rayaale magacaabay, ahaydna gabadhii ugu horaysay ee wasiir noqotay ilaa intii aynu qaadanay madax-banaanida ilaa sanadkii 1960 ilaa maalinkan maanta, waxayna baal dahabb ah ka geli doontaa taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa nasiib-darro ah inagoo ka gudubnay ku qaybsigii Dawladda hab-qabbiileed, qaadanayna habka dimuqraadiga (Democratic System) inaanay dawladeena haba yaraatee wax dumar ahi ka muuqan, taasina waxay ina tusinaysaa inaynu jebinay qodobo ka mid ah nidaamka dimuqraadiga ah sida qodobkan: in rag iyo dumarba loo siman yahay maamulka dawladeed saami ku qaybsi.
Nidaamka dimuqraadigu waxa weeye ‘one man one vote’, nidaamkan aynu haysano in dumarka cuna-qabatayn siyaasadeed la saaro waa dhaqan carbeed oo ku salaysan nidaam boqortooyo, tusaale ahaan dalka dalalka muslimiinta ugu weyn waxa ka talisa gabadh dumar ah, waana dalka Indooniisiya iyo dalal badan oo ay dumar madax ka soo ahaan jireen sida Pakistan iyo Turkiga, intaas oo dhan midna maaha dal carbeed, laakiin hadaynu nahay dal la jaar ah dalalka Carabta, lana lahaan jiray xidhiidh ganacsi iyo mid diimeedba waxaynu qaadanay dhaqankoodii, waayo halkay diintu inaga soo gaadhay waxay ahayd dalalka Carabta (Arab Countries).
Markaa miyaanay meesha ku jirin inay nidaamkay ku iman lahaayeen u dejino si ay talada dalka wax ugu yeeshaan. Isku soo wada xooriyoo, waxay sulaali ka taagan tahay ma siyaasad cabudhin bay ku sameeyeen mise aqoontooda ayaa halkaa dhigtay?
Waxaynu odhan karnaa oo qof kasta oo muwaadin ah garan karaa inay dawladu saartay cadaadis iyo cuna-qabatayn siyaasadeed, taasina keentay niyad-jab ay ka niyad jaben hiigsigooda iyo damacii ay kaga qaybgeli lahaayeen Dawladda, hadday noqoto sharci dejinta iyo mid maamulba, laba daraale inagoo doonayna inaynu helno wixii la isku jeclaa ee aynu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulnay oo ah aqoonsi waa ta kalee inagoo doonayna in dunida reer galbeedku inoo soo istaagaan, iyagoo waddamo badan ku eedeeya xuquuqda dumarka ay ku leeyihiin haykalka dawladeed.
Haddaba ma ka qaadnaa cuna-qabataynta siyaasadeed ee aynu dusha ka saarnay? Oo ma u eegnaa aqoontooda raga iyo dumarkaba si siman oo ka soo jeeda ama ku dhisan aqoonta qofeed, kartida shakhsiyadeed si uu ama ay kaalin wax ku ool ah uga buuxiso ama uga buuxiyo mujtamaca gudihiisa si caalamku inoogu soo istaago oo la inoogu garaabo inaynu qaadanay nidaamka dimuqraadiga, balse aynaan canjilin.
Mustafe Cabdi Maxamed (Cusbo).
Top
Bulshada Reer Somaliland Maanta Waxay Galeen marxalad cusub oo ay hiigsanayaan horumar iyo dimuqraadiyad buuxda oo dhab ah. Haddaba si arrintaa aynu u xaqiijino waxaa loo baahanyahay in si indhaha caalamka la tuso waxqabadka wanaagsan ee Somaliland ka jira maanta haddaba dulucda maqaalkaygan ayaa wuxuu yahay in dib loo eego dhismaha runta ah ee la rabo inay maanta hogaamiyaan deegaanka Gebiley oo qasan. Waayo, waxaa dalka ka dhacday waxaanay u dhacday sida badan mid heshiis lagu yahay balse ta ka dhacday degmada Gabilay waa mid aan xalaal ahayn oo nagu keentay fajac.
Sidii aanu filaynayna wax u dhacay ma jiraan waxaanay maanta bulshada reer Gebiley u baahanyihiin in dib loo dhiso oo la abuuro gole xalaal ah oo u cuntama bulshada waayo, waxaabad moodaa in ay beelo gaar ahi doonayaan in aanay ka talin cid aan iyaga ahayni taasina ma fiicna.
Markaa waxaanu leenahay xukuumadda iyo waxgaradka Somaliland yaan lagu dagdagin dhismaha golaha deegaanka ee Gabiley gaar ahaan in dib loo dhiso si bulshaadu ugu qanacdo arrintaas gaar ahaan beeshaydu kamay maqnaan jirin golaha deegaanka.
Markaa waxaanu leenahay
Gool baa lagu helaa
Garaadbaa umad lagu hagaa
Xaqbaa la garsoorayaaye
Ayaan gobanimadu dhiman.
Mahdi Maxamed Xaashi
Mustafe Cabdi Shuuro.
Gebiley.
Top
Dawladu Ha Daryeesho Ciidamada Qalabka Sidaa |
Waxa aynu la wada soconaa in ciidamada Somaliland aanay helin tababaro iyo qalab dhamaystiran oo awoodooda ciidan kor u qaada hadaba waxaanu leenahay xukuumadu ha ogaato in dalkastaba ku faano cududiisa milatari intay gaadhsiisantahay, dawlad kastaba waxaa u qorshaysan sanadkasta in ay kor u qaado miisaaniyada ku saabsan dhinaca gaashaandhiga. Haddaba Somaliland ciidamadeeda oo ah qaar u samray in badan dhaqaalaha dalka oo liita awgeed, waxaan leeyahay dhaqaale xumo ma jirto ee waxaa jira qorshe xumo maxaa yeelay maalin kasta dawladu waxay marfishyada ku kharash garaysaa lacag faro badan oo sanadkii wax badan ka tari lahaa baahida ciidamada waxaynu ognahay in ayna ciidamadeenu lahayn ilaa hadda darajooyin isla markaana ayna qaadan mushaarooyin ku filan iyaga iyo xaasaskooda.
Haddaba inaga oo og dhaq-dhaqaaqa iyo faro galinta uu wadankeena ku hayo C/laahi Yuusuf waa in hore si loo hormariyo awooda ciidan. Si aynu u xidhano xuduudaheena dayacan ee ay cid kastaba iska soo gasho. Haddaba arrintaasi waxay u badantahay in la sameeeyo gudi saraakiisha ciidamada ah oo soo ururiya baahida ciidamada dalkeena. Si ay u hantaan xuduudaheena uu maalin kasta cadawgu soo hunguraynayo. Run ahaantii ciidamadu waa lafdhabarta dal leeyahay dalna ma jiri karo ciidan la’aan.
Sidaa daraadeed waa in xil gaar ah la iska saaro daryeelka ciidamada qalabka sida ee habeen iyo maalinba heeganka ah. Run ahaantii wakhtigan aynu joogno askariga waxa uu ka qiimo badan yahay wax kasta waayo waxaa jira weerar iyo farogalin lagu hayo dalkeena Somaliland oo maalin kasta gobolo dalkeena ka mid ah la leeyahay anagaa xukuna.
Waxaan xukuumadda Somaliland leeyahay hadaad doonaysaan in xuduudaha la xidho marka hore ciidamada hala dayactiro oo xaqooda hala ilaaliyo si askarigu u helo maraal fiican oo uu isna xaqiisa u guto iyo waajibaadka ka saaran wadankiisa hooyo.
Haddaba waxaa maqaalkan igu kalifay in aan la hadalno sida caalamku u milatarigiisa u maamuuso iyo sida keenu yahay waxaynu ka wada dharagsanahay in dawladaha waaweyn ee maanta dunida ku amar ku taagleynayaa ay ku faanayaan awoodooda ciidan iyo sida ay u qalabaysanyihiin iyo tiknoolajiyadooda.
Tusaale ahaan dawladda maraykanku waxay saldhigyo milatari ku leedahay wadamo farabadan oo dunida ka mid ah ujeedada ka dambaysaa waa sidii uu u ilaalin lahaa shacabkiisa iyo danahiisa gaarka ah waxaynu ognahay in dhawaanahan cudud ciidan oo xoog badan ku soo dhoobay wadamada khaliijka isaga oo doonaya in uu weerar milatari ka qaado wadanka Ciraaq. Haddaba inaga cadawgeena Somaliland waa C/laahi Yuusuf wuxuu dhaqaalihiisa ku bixiyaa dhinaca ciidamadiisa ilaa maanta ku taamaya sidii ay u qabsan lahaayeen gobolka Sool Sanaag Bari iyo deegaanka Buuhoodle oo dhamaan ka tirsan dhulweynaha Somaliland.
Sidaas darteed dawladda Somaliland waxay dhaqaalaha ugu badan ku bixisaa majlisyada siyaasada lagu lafo guro marka sow xaaladu maaha kaaf iyo kala dheeri.
Waxaan maqaalkan ku soo gabagabaynayaa waa in shacabka iyo xukuumadda laga warhayaa ciidamada Somaliland ee aynu sharaftooda hadhsanayno.
Ciidamada Somaliland waxaan leeyahay shacabku waa idin ogyahay halka aad qaranka kaga jirtaan. Waxaan Ilaahay idinka rajaynayaa in aydun sanaadka sanadkiisaa ku gaadhaan nabaad iyo barwaaqo idinka iyo shacabwaynaha Somaliland.
Top
Maayarka Gabilay Miyaanu Ogayn in Biyuhu Yihiin Aasaaska Nolosha Bani-Aadamka ee Ugu Horeysa |
Sida lawada ogsoonyahay marka laga hadlayo nolosha bani-aadamka waxa ugu muhiimsan arrimo dhawr ah oo noloshooda oo dhami ku qotonto, la’aantoodna aanay suurta gal ahayn in noloshoodu sii jirto ama sii waarto haddii ay waayaan.
Tusaale ahaan waxa ka mid ah waxyaalaha ugu muhiimsan ee aan odhan karno waa tiir dhaxaadka nolosha bani-aadamka (biyaha), biyuhu waa shay Ilaahay ugu tala galay dhamaan dhulka korkiisa ku nool sida bani-aadamka, xayawaanka, dhirta iyo waxkasta oo noolaha Ilaahay abuuray ka mid ah. Hadaba iyada oo aynu wada ogsoonahay in haddii aanay biyo jirin aanay nololina jirayn (there is no water there is no life) mihiimada dadka bani’aadamka ah biyuhu ugu fadhiyaan aan qoraal yar lagu soo koobi karayn, ayaa waxa beryahan dambe dhagahayga ka badatay hadal haynta biyo la’aanta ka jirta magaalada Togwajaale oo ku taala xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, sida laga wada warqabo waxa beryahan dambe magaalada Togwajaale ku soo laabtay bulsho badan oo reer Somaliland ah oo ganacsato u badan kana soo laabtay H/sheekha, runtii magaalada dhaqdhaqaaq badan oo ganacsi u yeelatay, taasina waxay kor u qaadaysaa tirada dadkii ku sii noolaa magaalada oo aan iyagu marka horaba aan haysan biyo ku filan oo ay ka helaan ceelasha ku yaala magaalada iyagu marka horaba laga reebo inta baliyada ay biyuhu ugu sii jiraan, balse ay hadda tahayba wakhti aad u adag oo jiilaalna ah harooyinkuna madhanyihiin, haba yaraatee ayna jirin meel kale oo laga cabo, ayaa waxaa dhawaan loo qoondeeyay in si dhakhso ah loogu qodo ceelka magaalada ku yaala oo ay hadda gacanta ku hayso hay’adda COOPI hase ahaatee waxa go’aan lagu gaadhay in hay’adda maamulka degmadu ay iska kaashadaan ama wada bixiyaan wixii ku baxaya ceelka magaalada Togwajaale. Hase ahaatee ay imika noqotay riyo aan la hubin, ka dib markii maamulka degmada Gabilay uu ka baxay wixii rag isku ogaa ama shuruudii la isku ogaa oo aan ilaa hadda la garanayn sababta uu uga dhaga adaygay.
Haddaba waxaan leeyahay maayarka Gabilay miyaanu ogayn in biyuhu yihiin aasaaska nolosha bani aadamka ee ugu horeysa? Mise waaba laga maarmay Togwajaale ee intaa dadweynaheedu ka qaylinayay, ee warbaahinta oo dhan laga sheegay in loo gurmado, mise waa tabcaanimada maamulka Degmada?
Si kastaba waxa ha u jiraane dadweyne iyo dawladba waa in wax walba laga horumariyo sidii magaaladaasi biyo u heli lahayd.
C/Rashiid Ismaaciil Gahayr
Top
Anigoo ah Muuse Maxamed Cilmi kuna nool magaalada Gabiley ayaa waxaa ii dhashay 3 carruur ah oo mataano ah, Kuwaasoo ay ay dhashay xaaskayga oo la yidhaa Maryan Muxumed Geele ku umushay qaybta umulaha ee cusbitaalka Gabilay.
Laba jeer oo horena wax ii dhashay caruuro mataano ah oo marka la isku geeyo noqonaya 13 carruur ah.
Waxaananu nahay qoys sabool ah oo danyar ah, mana hayo wax aan carruurtaa ku quudiyo sidaa darteed waxaan ka codsanayaa bulshada in cidii I caawin kartaa in ay iigu yaboohaan wixii ay ii heli karaan.
Waxaana la iga helayaa kaalinta Beder Tel: 523014 Telesom.
Muuse Maxamed Cilmi
Gabilay.
Top
Crystal Palace Oo Dibadda Uga Haraatiday Liverpool Koobka FA Cup-Ka
Kooxda heerka labaad ahi waxay Liverpool ku ceebaysay hoygeeda |
Habeenkii Khamiistii 6/2/03 naadiga magaca weyn ku leh kubadda cagta oo ah naadiga ugu sarreeya dalka Ingiriiska hanashada koobka championka Yurub, ahna kooxaha ugu waaweyn Yurub ayaa waxaa si fool xun ay uga hadhay koobka FA Cup-ka iyadoo weliba garoonkeedii lagula ciyaarayo iyo 10 ciyaartoy, kadib markii kaadhka uu qaatay daqiiqadii 70aad ciyaartoyga Freedman oo Crysta Palace uga ciyaarayay weerarka.
Ciyaartu markay socotay 10 daqiiqadood haafkii dambe, ayuu Crystal Palace gool u dhaliyay ciyaaryahanka Julian Gray, haddana markii ay ciyaartu waxoogaa socotay ayu gool iska dhaliyay ciyaaryahanka Liverpool u ciyaara ee Stephane Henchoz.
Haddaba waxaa dadku in badan is weydiinayaan guul-darradan faraha badan ee ku habsatay naadiga Liverpool, taasi oo loo aanaynayo tabobare xumo ku timi naadiga, taasi oo aad ka garan karto jaanisyadii faraha badnaa ee ay haafkii ka faa’idaysan waayeen kooxda Liverpool.
Sidoo kale, waxaa iyaguna ciyaaray koobka FA Cup-ka afarta kooxood ee kala ah; Sunderland Vs Blackburn Rovers iyo Southampton Vs Miliwall, taas oo labadoodii ciyaaroodba lagu wakhti dheeraad ah (extra time), ayaa waxay isku mari waayeen Sunderland iyo Blackburn waqtigii caadiga ahaa 2-2 (bararo), waxna may kala dhashan soddonkii daqiiqadood ee lagu kordhiyay ciyaarta taas oo markii dambe tagtay Rigoorayaal oo ay 3-0 ku badisay Sunderland.
Xaga ciyaartii dhexmartay Southampton iyo Millwall oo ah naadi heerka labaad ah ay sagaashankii daqiiqadood ee ciyaartu ku dhammaatay 1-1. matt Oakley oo ah ciyaaryahan khadka dhexe uga ciyaara Southampton oo aan muddo laba sano iyo badh ah aan dhalin wax goolal ah ayaa goolkii hore ee barbaraha u dhaliyay, isagoo goolkii labaadna daqiiqadii 12aad ee waqtigii lagu kordhiyay ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa Southampton, sidaana guushii ku raacday kaaxdaas.
Maamulaha kooxda Crystal Palace ee heerka labaad (Serie B) Mr. Trevor Francis oo u waramay telefishanka Sky Sporty, ayaa yidhi; "Waa noo sharaf inaanu ku garaacno 2-0 Liverpool oo gurigeeda joogta. Waxaanay noola ciyaareen sidii aanu faagfaaganayno oo iyaga uun ay iska leeyihiin kubadda oo aanay ahaynba ciyaaryahanadayadu qaar noolba, markii haaftime-kii ay ahayd ee ay waayeen intaas oo jaanis ayaan niyadda iska idhi malaha caawa waa habeenkiinii oo caawa malaha waad ka badin doontaan Liverpool. Markaan arkay inaan dhalinay gool, welina sii wadano ciyaarta hogaankeeda ayaan go’aansaday inaan ku ixtiraamo naadigayga guusha ay gaadheen, arrintaasina waxay noqotay arrin niyadda u dhista taageerayaashayada."
Top
|