Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 265 February 10, 2003

Aqoon-Isweydaarsi Lagu Lafo-Guray Xuquuqda Dadka Laga Tirada Badan Yahay Oo Xidhmay

"Haddii Lagu Sheello Waa Lays Sheegaa, Haddii Kalena..."

Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Oo Markii U Horeysay Doortay Maayar Iyo Ku/Xigeen

Xaaladda Murugsan Ee Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Jawaabta Cadhada Leh Ee Mucaaradka

Hargeysa Iyo Maayarka Cusub

Ururka Somaliland Forum Oo Soo Jeedayey Tallooyin Ku Aaddan Doorashada Madaxtinimada

Madaxweyne Rayaale Oo Cafis U Fidiyay 368 Maxbuus

Wararka Dibadda

Madaxa Baadhayaasha Hubka Oo Digniintii U Jeediyay Ciraaq

Madaxweynayaasha Masar, Liibiya Iyo Suuriya Oo Ku Kulmaya Shir-Madaxeed

Weerar Lagu Qaaday Askar Reer Israa’iil Ah

ODHAAHDA AKHRISTAHA

WAAYAHA DHALLINYARADA

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

FAAQIDAADDA ADDUUNKA

Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde

Tacsi

Baafin Dacwaysane

Hambalyo Maayarka cusub ee Hargeysa


Aqoon-Isweydaarsi Lagu Lafo-Guray Xuquuqda Dadka Laga Tirada Badan Yahay Oo Xidhmay

Hargeysa (Haatuf): Aqoon iswaydaarsi lagu lafagurayey xuquuqda dadka laga tirada badan yahay oo muddo maalmood ah ka socday hudheelka XARAF ee magaalada Hargeysa ayaa shalay la soo gebagebeeyey.

Aqoon iswaydaarsigaa oo ay ka qayb qaadanayeen afartaneeyo xubnood oo rayid ah, kana kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland waxa soo qaban-qaabiyey saddex mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay waxay magacayadoodu yihiin: Axmed C/laahi Cali (Bahal), Maxamuud Macalin Qaasin iyo C/rashiid Sheekh Aadan, waxaana mudadii uu aqoon iswaydaarsigaasi socday lagu lafo guray sida ugu haboon ee loo mari karo raadinta xaquuqda dadka laga tirada badan yahay, iyadoo si gaar ah loo xusay xuquuqaha dhinaca siyaasadda ee la xidhiidha marxaladda uu waqtigan xaadirka ah dalku marayo, taas oo ay ka qayb galayaashu doodahooda gun-dhig uga dhigeen natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyinkii dawladaha hoose ee dhowaan dalka ka dhacay, kuwaas oo saamayn ku yeeshay dadka laga tirada badan yahay.

Gebagebadii iyo xidhitaankii aqoon iswaydaarsigaa waxa ka hadlay xubno kala duduwan oo ay ka mid yihiin rag culimo-udiin ah, suugaanyahano, haween iyo wax garad kale, iyadoo uu ragga halkaa ka hadlay ka mid ahaa Sheekh Ismaaciil Aadan, isaga oo tafaasiil ka bixiyey waxa ay diinta islaamku ka qabto sinaanta dhinaca xuquuqaha ee dadka islaamka ah, taas oo uu yidhi "Diintu waa nasteexo, mana ogola xaqiraad."

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka tiriyey gabayo ay ku muujinayaan sidii loo heli lahaa xuquuq iyo xaq-soor siman Jaamac Gaashaancadde iyo Muuse Aaye oo labaduba ka mid ah suugaanyahanada reer Somaliland.

Top


"Haddii Lagu Sheello Waa Lays Sheegaa, Haddii Kalena..."

C/rashiid Siyaad Sh. Cabdi - Suxufi Madaxbanaan

Maah-maah Soomaaliyeed baa tidhaahda "hadii lagu sheego waa lays sheelaa, hadii lagu sheelana waa lays sheegaa", laakiin xikmadda maah-maahdani waxay muujinaysaa hanka sare iyo hidaha suuban ee Caro-edeg, kaas oo dareen iyo feejignaan u lahaa xurmo, is-tixgelin iyo talo-wadaagga dhaqan ee cidii dani idinka dhexayso, xataa hadii uu doono xafiiltanba ha jiree. Si kale hadii loo dhigo murtidan waxa adeegsan jiray ninkasta oo isu arka inuu shar iyo khayr labadaba geysan karo, laakiin laga fogeeyey gole ama xaajo uu go’aankeeda iyo rog-rogeedaba wax ku lahaa, taas oo aan unugeeda iyo odoroskeeda midna waxba laga siinin, haba jireen hadii ay doonaan rag xagiisa loo tirinayey oo ay ahayd inay sheegaan markii la suuradin-waayey, lana soo qaadi-waayey. 

Hase yeeshee hadii aan u soo gondodego ujeedada maqaalkayga oo ah mid ka saafi ah gurxan siyaasadeed iyo dan gaar ahaaneed oo si keli ah iiga baaqatay, balse aan ku abaarayo wax caam ah, sidaa darteed shirka suxufiyiinta door ah 8-dii Jananweri, 2003 uga furmay hudheelka Ming-sing ee caasimadda Hargeysa shakhsiyan waxaan ku war-helay isla shalay uun (doraad) oo ahayd markii albaabada loo furay, iyadoo ay kulankaa iiga muuqdeen rag door ah saaxiibadii aanu wadaagnay magaca aan haybadda mooyee manfaca yar ee bah-weynta saxaafadda, laakiin waxa uu ahaa kulan sumad iyo saxeex midna laygala socod siin, hadana sida la sheegay uu yahay kulan loo abyey in lagu sameeyo urur-saxaafadeed qaran. Laakiin ilaa shalay waxaan aragti iyo telefoon-ba ku arkayey rag door ah oo magac iyo miisaanba ku lahaa saxaafadda Somaliland ee haatan doob-dilaacsanaysa, kuwaas oo ii sheegay inay jiraan rag sabab u ah ka maqnaanshahooda shirka ama aan loogaba yeedhin, taasina waa mid nasiib daro ku ah kalsoonidii laga qabay huwantii saxaafadeed ee xirfadaha iyo aqoonta kala duwan lahayd, arintaas oo hadii aan wax laga bedelin aanay midnimona ka dhalanayn, isla markaana aanu aniga iyo intii ila mabda’a noqotaa iska fogayn doono nusqaantiisa.

Maqaalkaygan waxaan ka raali gelinaya intii waalidnimo iyo waxtar igu lahayd iyo intii aan ka war-qabin maqnaanshahayga, laakiin aniga iyo rag kaleba waxaanu ka fiirsan doonaa xikmadda ah "Rag kaa faqay, rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco", ka dibna aanu aasaasno xalaal ah oo xor ka ah qalooc iyo intii biyo hoostood iska hirdiday. 

Top


Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Oo Markii U Horeysay Doortay Maayar Iyo Ku/Xigeen

Qaabkii Doorashadu U Dhacday, Jewigii Madasha Iyo Weedhihii Lays Dhaafsaday

Hargeysa (Haatuf) Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa shalay markii u horeysay fadhi ay yeesheen ku doortay maayar iyo maayar-xigeen.

Fadhigaas oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, waxa ka soo qayb galay 24 xubnood oo golaha deeganka Hargeysa ah, iyadoo uu guud ahaan golaha deegaanka Hargeysa ka koobanyahay 24 xubnood, sidaa darteed hal xubin ayaan ka soo xaadirin fadhigii shalay.

Ugu horeyn waxa kulanka furay badhasaabka gobolka Hargeysa Maxamed C/laahi isla markaana waxa kulankaa ka soo qayb galay madaxda sare ee wasaaradda arrimaha gudaha oo uu horkacayo wasiirkooda Eng: Ismaaciil Aaden Cismaan. Sidoo kale waxa kulanka ka soo qayb galay xubno golaha wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka ganacsiga Rashiid X. C/laahi iyo mudanayaal baarlamaanka ah, iyo waliba masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa oo uu horkacayo maayarka hadda xilka haya, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Dheere).

Ka hor intii aan la gaadhin doorashada maayarka iyo maayar xigeenka waxa kitaab qur’aan ah lagu dhaariyay 24-ka mudane ee soo xaadiray, laakiin dhaarta ka dib badhasaabka gobolka Hargeysa markii uu shirkaa furay kursiga shir gudoonka ku wareejiyay ninkii ugu da’da waynaa mudanayaasha meesha fadhiyay, ninkaas oo la yidhaahdo Aaden C/laahi Cali waxa uu shirkaa hogaaminayay ilaa intii la dooranayay maayarka iyo maayar-xigeenka, iyadoo uu xeerku dhigayo in fadhiga ugu horeeya ee ay yeeshaan xubnaha golaha deegaanka magaalo kasta uu hogaaminayo ninka ugu da’da weyn xubnaha la soo doortay.

Shir gudoonka cimrigiisu ahaa mudada daqiiqadaha ah, Aaden C/laahi Cali markii uu kursiga ku fadhiistay waxa la guda galay hawshii doorashada maayarka iyo maayar-xigeenka, ka dibna waxa lagu dhawaaqay inay miidaanka iskeenaan, cid kasta oo u sharaxan jagada maayarka Hargeysa, intaa ka dibna waxa miiska soo fadhiistay laba nin oo kala ah Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Axmed Sandon, laakiin waxa maayarnimada Hargeysa ku guulaystay Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir ka dib markii uu helay aqlabiyad shilis, taas oo ay u codeeyeen 20 xubnood, halka uu Axmed Sandon ka helay 2-cod.

Hase yeeshee markii la naadiyay cida u sharaxan jagada maayar xigeenka nin kaliya oo aan cidi kula tartamin ayaa isu soo taagay jagada maayar xigeenka kuna guulaystay, ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo C/Raxmaan Yuusuf Axmed waxa u codeeyay 23 cod xubnood, taas oo noqonaysa dhamaan mudanayaashii goobta fadhiyay marka isaga laga reebo. Laakiin xubinta keliya ee meesha ka maqnay, waxa uu ahaa Maxamed Axmed Cilmi (Sabce), ninkaas oo ahaa ninkii lambarka koowaad ugu qornaa musharaxiintii Golaha Deegaanka ee ururka UDUB ka hor intii aanay doorashadu dhicin, waxaanay wararka qaar sheegayaan inuu ku maqnaa dudmo, iyadoo sida la sheegay ay doodiisu tahay "Maadaama aan anigu lambarka koowaad ahaa, ma aha inuu xisbiga UDUB cid kale soo sharaxo."

Inkasta oo uu kulankaasi ku dhamaaday jawi degen, isla markaana ay wax waliba u dhamaaday si nidaamsan, haddana marka laga tagi waayo ilaa laba mudanayaasha ka mid ah ayaa intii aan codaynta doorashada la galin la soo sarakacay weedho kooban oo ay ku codsanayeen in doorashada dib loo dhigo, iyaga oo taa ku sababeeyay inay doonayeen in goluhu ka wad hadlo waxyaalo yar oo tifaftir u baahan, laakiin shir-gudoonka ayaa taa diiday isagoo sheegay in wixii tifaftir ahi ay hore u soo dhamaadeen.

Markii laga faraxashay hawshii doorashada maayar-xigeenku. Waxa madasha hadalo kookooban ka jeediyay madaxdii kulanka ka soo qayb gashay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen maayarka hadda xilka haya, Axmed Dheere iyo wasiirka daakhiliga iyo weliba maayarka cusub ee la doortay.

"Maalin dhowayd qolooyin idinka mid ah ayaa lahaa dhulkii baa la boobayaa, hantidii baa la boobayaa"ayuu yidhi, Axmed dheere, wuxuuna intaa ku daray "Laakiin waxaan idiin sheegayaa anaga cidiba wax dhul ah naguma ay wareejin, idinkana idinku wareejin mayno, ta kale ee dhaqaalaha, anagu waxba uguma aanu iman, laakiin maanta dayna idiinka tegi mayno, waxna waa noogu imanaysaan". Laakiin Axmed Dheere ereyadaa kooban ka dib waxa uu ku tiraabay inuu khud-badiisa muhiimkeeda la sugi doono maalinta xil-wareejinta.

Sidoo kale maayarka cusub ee uu golaha degaanku doortay, Xuseen Maxamed Jiciir ayaa isna markii la doortay ka dib, isaga oo faraxsan waxoogaa hadal ah la sarakacay, wuxuuna ugu horayn u mahad naqay xubnaha golaha degaanka ee doortay iyo guud ahaan madaxdii iyo marti-sharaftii kulanka ka soo qayb gashay, laakiin intaa ka dib wuxuu waxoogaa ka taataabtay masuuliyadda loo doortay iyo waxa uu ku hamiyayo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Xilka naloo doortay waa xil aad u weyn, wuxuuna u baahan yahay dhabar-adayg iyo dul-qaad badan, laakiin waxaanu ilaahay ka rajaynaynaa inuu noo fududeeyo xilkaa culus, isla markaana dhaarta nala dhaariyey waxa noo sii dheer dadweynihii na soo doortay oo nala xisaabtamaya, taana waxaanu filaynaa inaanu si fiican ugu shaqayn doono dadweynaha cashuurta bixiya."

Ugu dambayn waxa shirka xidhay, hadal koobana ka jeediyey wasiirka daakhiliga, Eng: Ismaaciil Aadan Cismaan, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Runtii waxa farxad weyn ii ah, isla markaana lama ilaawaan ah muddo ay ka soo wareegtay 33 sannadood in maanta aan halkan kaga qayb galo golihii degaanka ee Hargeysa laga doorto, iyadoo ay doorteen gudoomiyihii iyo kuxigeenkii, taas oo runtii si fiican oo hadal la’aan ah u dhacday, taas oo aan degmooyinka kale ka dhicin, waayo tusaale hadii aan u soo qaato degmada Gebilay, tobanna meel bay fadhiisteen, kow iyo tobana meel bay fadhiisteen."

Wasiirka daakhiligu waxa uu ka hadlay masuuliyadda u taal mudanayaasha la doortay ee golaha degaanka, wuxuuna yidhi "Ereyadii laydinku dhaariyey labada erey ee lagu dhaariyey waxay ahaayeen sinaan iyo cadaalad, horta labadaa ilaahay uun baa keeni kara, laakiin waxa qofka looga baahan yahay inuu ku dedaalo, taas darteed waxaan idin leeyahay taa ku dedaala intii aad ku dedaali kartaan, waxa idin sugaysa hawl aad iyo aad u fara badan, waxaana ugu dhibaato badan dhulka, waayo waad ogtihiin oo habeen iyo maalin dil baa ka dhaca, laakii hawsha idin sugaysaa waxay u baahan tahay sida aad marba wada jir dhexdiina ugu shaqaysaan ee aad gacmaha isu haysataan, hadiise ay timaado inaad oroorta fadhiisataan oo aad tidhaahdaan kana ka qaada, hadana mid kale saara oo ka qaada, taasi wax wanaagsan idiin noqon mayso, waxayna u baahan tahay in qofka muddo xilka lagu eego sida uu u wado, ka dibna hadii aad aragtaan inuu si wanaagsan u shaqaynayo inaad xilka u daysaan."

Top


Xaaladda Murugsan Ee Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Jawaabta Cadhada Leh Ee Mucaaradka

"Haddii afku xumaado, gacantuna way xumaataa...Haddii Sharciga nalagu kala saari waayo hawshadayada ayaanu wadanaynaa.." - Shir-Jaraa’id 

Hargeysa (Haatuf): 11 xubnood oo ka mid ah xubnaha golaha degaanka Gebilay, kana soo jeedda axsaabta mucaaradka ayaa shalay jawaab cadho leh ka bixiyey qaabkii loo maamulay doorashadii maayarka iyo maayar-xigeenka degmadaa oo la sheegay in doraad la doortay, laakiin taasi waxay keentay muran cirka isku shareeray oo ka dhex-aloosmay xubnaha golaha degaanka, iyadoo ay xubnaha golaha degaanka Gebilay u kala jabeen laba qaybood oo is le’eg.

Fadhi doraad lagu qabtay magaalada Gebilay oo ay ka soo qayb galeen 11 xubnood, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen wasiir-kuxigeenka daakhiliga, Axmed Jaambiir Kaahin iyo badhasaabka Hargeysa, Maxamed C/laahi waxa lagu doortay maayar iyo maayar-xigeen, laakiin 10 xubnood oo kulankaa ka maqnaa ayaa kulan gooni ah qabsaday, ka dibna sheegay inay iyaguna doorteen maayar iyo maayar-xigeen kale oo Gebilay ah, taasina waxay u muuqataa ismari-waa aan ilaa hadda xal loo helin. Laakiin arinta muranka ugu weyni ka taagan yahay waxay tahay, iyadoo ay labada dhinac-dhinac waliba ka kooban yahay 11 xubnood, taas oo tirada golaha degaanka Gebilay ka dhigaysa 22 xubnood, halkii golaha degaanka Gebilay laga rabay 21 xubnood, taasna waxa ugu wacan xubin hore uga tirsanaa ururka HORMOOD, laakiin ku biiray UDUB, ka dibna uu ururka HORMOOD sheegay inay xubintaa ururka ka saareen, meeshiisana qof kale ku bedesheen, iyaga oo sheegay inuu xeerkoodu dhigayo in qofkasta oo ku shaqayn waaya siyaasadda ururka laga saaro xubinimada ururka. 

Hase yeeshee shir-jaraa’id oo ay xubnaha mucaaradka ah ee golaha degaanka Gebilay ku qabteen hudheelka Mixg-sing ee magaalada Hargeysa waxay tafaasiil ka bixiyeen arimaha ay ka cabanayaan iyo mawqifka ay ka taagan yihiin doorashada maayarka iyo maayar-xigeenka ee ay garabka kale doorteen, isla markaana waxay ku hanjabeen inaanay marna ismici doonin go’aanka garabka kale oo ka kooban xubnaha xisbiga UDUB. 

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka mid ah hogaanka sare ee axsaabta ay ka kooban yihiin xubnaha mucaaradka ee golaha degaanka Gebilay, kuwaas oo kala ah: KULMIYE, UCID iyo HORMOOD, waxayna sheegeen inay saddexdan urur ku heshiiyeen inay qaybsadaan xilalka sarsare ee degmada Gebilay.

"Bisha sideedii, iyadoo sida sharcigu dhigayo ay ahayd in muddo ah la cayimin oo uu badhasaabku noo yeedho ayaa shirkii lagu qabtay iskuulo magaalada Gebilay ka baxsan, ka dibna iyadoo aan naloo yeedhin ayey toban xubnood oo UDUB ah badhasaabka gobolka Hargeysa iyo wasiir-kuxigeenka arimaha guduhu shir u qabteen, waxna la iska doorteen, dabadeedna 11 qof oo la soo doortay ayaa waxba la’aan laga soo qaaday, waxaana wax la iska doortay, iyadoo aan shirka loo dhamayn, isla markaana aanu kooramkii sharciga ahaa buuxin"sidaa waxa shirka jaraa’id ka yidhi Maxamuud Sheekh Xuseen (Nuuriye) oo ah ninka ay garabkani u doorteen maayarka, wuxuuna intaa ku daray "Meesha waxa ka dhacay gef aanay cidina qarsan karayn, markaa waa inaynu ama dawlad noqono ama beelihii dib loogu noqdo, hadii wax laga qaban waayaana waxaanu u qaadanaynaa macnaha dawladi ma jirto, hadii nidaamka jira la wada difaaci waayaana shakhsiyaad iyo beelo ayaa la noqonayaa."

Xubnahani waxay ku hanjabeen hadii loo soo gole fadhiisan-waayo inay ku adkaysan doonaan maayarka iyo maayar-xigeenka ay doorteen, taasna ay dhaqan gelinayaan, iyaga oo mawqifkooda caynkaas ah ka hadlayana waxay yidhaahdeen "Horta marka hore waxaanu doonaynaa inaanu ummadda tusno xaq-darada dhacday, laakiin hadii la waayo in sharciga nalagu kala qabto, anagu waanu dooranay maayar iyo maayar-xigeen, dadkayagiina waanu haysanaa, hawshayadana waanu wadanaynaa."

Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadashay Canab Cumar Ileeye oo HORMOOD ka tirsan, waxayna tidhi "Xukuumaddii ayaa doonaysa dhibaatadii iyo qalalaasihii, anaguna naga daa ayaanu leenahay", laakiin Canab, iyadoo ka hadlaysa xubintooda UDUB ku biirtay iyo talaabada ay ka qaadeen waxay sheegtay inay xubin kasta oo raaci wayda siyaasadda ururka eryaan, iyadoo sheegtay inay xataa ururka ka saarayaan xubno HORMOOD ah oo shalay markii la dooranayey maayarka Hargeysa ka codeeyey xubin HORMOOD ah oo maayarka isu sharaxday, laakiin Canab, iyadoo arimaha ka hadlaysa waxay tidhi "Anagu hore ayaanu xubno uga saaray ururka, taas oo aanu Burco ka saaray oo Berbera ayaanu ka saaray oo kan Gebilay baanu ka saaray, isla markaana kii baydhaba waanu ka saaraynaa oo kuwa Hargeysa ee maanta leexday waanu ka saaraynaa."

Daa’uud Maxamed Geelle oo ah xoghayaha guud ee KULMIYE ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna yidhi "Doorashada la sheegay inay Gebilay ka dhacday ma aha mid xaq ah, waanuna qaadacnay, isla markaana waxaanu Madaxweynaha iyo wasiirka daakhiliga u sheegaynaa inaanay degmadaa talaabo dambe ka qaadinoo inta ay cararaan aanay odhan maayarkii baanu xilka u soo tirinaynaa, hadii sidaa la yeelo qalalaase ayaa halkaa ka dhici doona."

Ibraahin Cabdi Xuseen oo ka mid ah UCID ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa "Hadii afku xumaado, gacantuna way xumaataa, markaa xukuumaddu yaanay noqon hasha geela cunta ee hadana cabaadda."

Xubinta ay qolada HORMOOD sheegeen inay eryeen, ka dib markii ay UDUB ka raacday waxa weeye, Maxamed Xaaji Ibraahin Maxamed oo ah ninka ay garabka kale maayar-xigeenka u doorteen, laakiin sida ku cad qoraal uu gudoomiyaha HORMOOD, Axmed Muxumad Madar soo saaray 3-dii bishan waxay golaha dhexe ee HORMOOD go’aamiyeen inay ururka ka saareen laba xubnood oo uu mid yahay Maxamed X. Ibraahin oo xubin ka ah golaha degaanka Gebilay iyo Axmed Cabdi Shiil, waxaana labadaa nin lagu eedeeyey inay galeen heshiis khilaafsan sharciga ururka u yaal, iyadoo sida ku cad qoraal soo baxay 112-kii Jananweri, 2003 uu Maxamed X. Ibraahin heshiis la galay gudoomiyaha UDUB ee degmada Gebilay, Xuseen Nuur Bakaal, heshiiskaasina waxa uu dhigayaa inuu Maxamed Xaaji Ibraahin oo awel HORMOOD ahaa uu si buuxda ugu biiray UDUB, isla markaana uu yahay musharaxa maayar-xigeenka. Laakiin waxay isla qoraalkaa ku sheegeen in booskii ay ka saareen Maxamed X. Ibraahin ku bedeleen Mawliid Daahir Caqli.

Go’aanka uu hogaanka HORMOOD ku eryey Maxamed X. Ibraahin waxay u gudbiyeen guddiga doorashooyinka, laakiin sida ku cad qoraal uu ku simaha gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranku soo saaray 6-dii bishan waxay guddiga doorashooyinku arinta Maxamed X. Ibraahin u gudbiyeen maxkamadda gobolka Hargeysa. 

Top


Hargeysa Iyo Maayarka Cusub

"Xubnaha Golaha Deegaanka midna Heshiis lama gelin oo ma odhan i doorta, laakiin..." - Maayarka Cusub

Hargeysa (Haatuf): Maayarka cusub ee ay shalay doorteen xubnaha golaha degaanka magaalada Hargeysa, Xuseen Maxamuud Jiciir oo ah muddo 33 sannadood ka badan maayarkii u horeeyey ee doorasho ku yimaadda jagada maayarnimada ayey niman weriyayaal ahi markii la doortay ka dib kulan kooban la yeesheen, isla markaana wax ka waydiiyeen sida uu u arko xilka cusub ee loo doortay iyo bal inay jiraan waxyaalo uu ku hamiyayo inuu qabto.

Weriyayaashu waxay maayarka cusub kula kulmeen guri fooq ah oo uu leeyahay dushiisa, halkaas oo ay waraysi kooban kula yeesheen, waxna ka waydiiyeen masuuliyadda cusub ee loo doortay, laakiin ugu horayn waxa la waydiiyey sida uu u arko xilka loo doortay, wuxuuna yidhi "Run ahaantii xilkan cusub ee lay doortay waxaan u arkaa mid qiimeyn weyn leh, waana maalin taariikhiya, taas oo muddo 33 sannadood ah ay tahay markii u horaysay ee gole degaan la soo doorto, waana mid xusuus mudan, taas oo anigana ii suurta geliyey inaan noqdo maayarkii ugu horeeyey ee la soo doortay ee xilka qabta mudadaa 33-ka sannadood ah, taasina waa mid farxad mudan, isla markaana dadweynaha reer Hargeysa u ah kalsooni buuxda iyo inay is garab taagaan golohooda degaanka ee ay soo doorteen."

Sidoo kale maayarka cusub mar la waydiiyey bal waxyaalaha uu ku hamiyayo inuu qabto, wuxuuna yidhi "Horta magaalo caasimad ah oo weliba dunida saddexaad ah mushaakilku ma dhamaado, laakiin wax qabadkayaga waxaanu siin doonaan mudnaan ah sida ay u kala horeeyaan, waad aragteen xaaladda jidadka magaalada, qashinka, meelaha biyo-mareenada iyo suuqyada, markaa waxyaabahaasi waa waxyaalaha aanu mudnaanta siinayno, anaga oo eegayna sida ay u kala muhimsan yihiin, waxaanuna had iyo goor ku xisaabtami doonaa inaanu ururino cashuurta, taasna waxaanu doonaynaa inay dadweynuhu nala garab galaan, ka dibna wixii na soo gala anaga oo aan luminayn ayaanu doonaynaa inaanu ku qabano waxyaalahaa."

Hase yeeshee maayarka cusub waxa la waydiiyey su’aal kale oo ahayd bal waxa ay tahay fariinta uu iska horaysiinayo maadaama uu yahay nin cusub, isla markaana uu yahay ninkii u horeeyey ee jagadan maayarnimad doorasho ku yimaada, taas oo ay dad badani iswaydiinayaan tolow muxuu kaga duwanaan doonaa maayaradii hore ee ay wasaaradda daakhiliga ama madaxtooyadu soo magacaabi jirtay, laakiin wuxuu yidhi "Fariinta aan reer Hargeysa u dirayaa waxay tahay, ugu horayn salaan baan u dirayaan, golaha degaankuna way mahadsan yihiin, waayo ninna uguma ballan qaadin inaan wax siiyo, mana jirto cid aan heshiis la galay, laakiin rabitaankooda iyo kalsoonidooda ayey igu doorteen, waxayna ujeedadayadu tahay inaanu dadkayaga u shaqayno, iyaguna ay nala shaqeeyaan."

Top


Ururka Somaliland Forum Oo Soo Jeedayey Tallooyin Ku Aaddan Doorashada Madaxtinimada

Hargeysa (Haatuf): Ururka Somaliland Forum oo ay ku bahoobeen qurba Jooga Somaliland Somaliland ayaa na soo gaadhsiiyay talooyinka ku waajahn doorashada iyo arrimo kale.

Qoraalka Somaliland Forum ay soo saareen oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan: -
"Haddaanu nahay ururweynaha Somaliland Forum ee ay ku bahooben qurba jooga reer Somaliland; waxa aanu aaminsanyahay in maanta dalkeenu ku sugan yahay marxalad kala guur ah. Sidoo kale waxaanu aaminsanahay in marxalad waliba wadato khataro iyo dhibatoyin iyada u gaar ah oo u baahan in laga feejignaado. Ka hor intaan golaha Guurtidu ku dhawaaqin go’aankii kordhinta wakhtiga xukuumadda, waxa uu ururkayagu ku howlanaa sidii aanu talooyin ugu soo gudbin lahayn guddidii Golaha Guurtidu u xil-saartay soo ururinta xogta iyo talooyinka. Nasiib darose’ waxaa go’aanka Guurtidu soo baxay ka hor intii aanaanu soo gudbin talooyinkii iyo fikradihii aanu u arkaynay in marxaladdan lagaga bixi karo.

Waxaanu aaminsanahay, hadaanu nahay Somaliland Forum, in isticmaalida Qodobka 83(5)naad ee Distuurka, kaasoo loo adeegsaday kordhinta wakhtiga xukuumadda, ay ahayd mid khaldan oo baal marsan Dastuurkeena. Sida aad wada og tihiin Distuurka curdinka ah ee Jamhuuriyadeenu waxuu qorayaa in la isticmaali karo qodobkan kaliya marka doorashada Madaxweynuhu ay suurta gali waydo " duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed". Hase yeeshe, sida uu cadeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa dib-u-dhigidda doorashooyinka keentay sababo la xidhiidha xagga farsamada iyo dhaqaalaha.

Iminka iyo haatan, ka dib markaanu: 
1. Qiimaynay xaalada kala guurka ee maanta dalkeenu ku sugan yahay; qadarinay fikradahii iyo talooyinkii kala duwanaa ee xisbiyada qaranku soo jeediyeen; eegnay baaxada hawsha inoo taala iyo waxa inoo qabsoomay; 
2. Tixgalinay wax walbana ka hormarinay danta guud iyo aayaha Somaliland; 
Waxa ururka Somaliland Forum go'aansaday, talona kusooo jeedinayaa in:
1. Xisbiyada qaranku aqbalaan muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Madaxweye-Ku- Xigeenka, mar haddii sidaasi ay Golaha Guurtidu gooyeen.
2. In madaxwaynuhu dhiso xukuumad wada jir ah oo ay xisbiyada qaranka oo dhami ka wada qayb galaan, si looga baxo duruufahan adag ee aynu ku jiro, kalsoonina loogu wada qabo najiitada doorashooyinka madaxwaynanimada ee fooda inagu soo haysa. Hadaba anagoo ogsoon in Dastuurku uu awood u siinayo in Madaxwaynuhu uu magacaabo golaha wasiiradda, haddana ma jiro wax diidaya inay xisbiyada kale ka qayb galaan xukuumadaa wadaaga ah. Sidoo kale, waxaanu soo jeedinaynaa in xukuumadan wadaaga ahi ay dhisnaato inta la soo dooranayo Golaha Wakiilada si iyagana kalsooni loogu qabo doorashadooda.
3. In Golayaashu qaranku ay soo saaraan sharciyo miisaaniyad lacageed loogu ansaxinayo xisbiyada qaranka si ay xisbiyadu si siman tartanka doorashooyinka uga qayb galaan. Haddaba si aan loogu tagri falin hantidaa qaranka waa in: 
B) La xaddido lacagta xisbi waliba uu doorashada ku galayo meel kasta haka helee 
T) In Komishanka Doorashooyinku ay xisbi walba kala xisaabtamaan lacagtii soo gashay iyo siduu u isticmaalay. 
J) In ciqaab adag la marsiiyaa cid kasta oo si gaara ugu tagri fasha hantida qaranka, shaqaalaha dowladuna ay dhexdhexaad u ahaadeen xisbiyada loolamaya. 
Goloyaasha Qaranku waa in ay dhamaystiraan xeerarka weli qabyada ah ee ku saabsan doorashooyinka Baarlamaanka. 

Koomishanka Doorashooyinku iyagoo iskaashi la samaynaaya Akadamiyada Nabada ee Somaliland iyo xisbiyada qaranka, tixgalinayana warbixinadii ay soo saareen goobjoogayaashii caalamiga ahaa iyo ku wii maxaliga ahaaba, waa in ay si dhakhso ah daraasad ugu sameeyaan sidii ay u dhacday doorashooyinkii dowladaha hoose, warbixina ka soo saaraan wixii khaldamay iyo sidii looga digtoonaan lahaa inaanu dib u dhicin khaladkaasi, aad looga fakaro sidii aynu u dhisilahayn Gole Guurti oo cusub, oo hawshiisii hore ee nabad ilaalinta sii adkeeya, kaasoo nidaamka lagu soo dooranayaana suurto gelinayo sidii muwaadiniinta ama dadka codka yar ama deegaanada yar ee aan kuraasi ku filan ka helin Golaha Wakiilada, ay xubno matala uga heli lahayen Golaha Guurtida. Sidaas darteed, waxaanu ku talinaynaa in aan lagu degdegin doorashada/xulashada xubnaha Guurtida ee cusub oo, haddii loo baahdo, la bedello Distuurka oo loo kordiyo waqtiqaa xilka Golaha Guurtida, laakjin waa in la dhigo jadwal lagu dhameystiro arrintooda. Gaar ahaan, waxaanu soo jeedinaynaa in soo xulidoodu ay ka dambeyso muddo aan yarayn doorashada Golaha Wakiilada. Sidoo kale waxaa iyana muhiim ah oo loo baahan yahay in dhakhso loogu howl galo qabashada doorashooyinka Golaha Wakiilada. Hore waxaanu u waafaqnay go’aankii Guurtida ee ay wakhtiga ay ugu kordhiyeen Xukuumada iyo Golaha Wakiilada, maadaama aanay xilligaasi jirin xisbiyo qaran, laakiinse’ hadda waa in loo guntadaa sidii doorashada Wakiiladuna u dhici lahayd. 

Waxa aanu qoraalkayagan kusoo gebogebaynaynaa oo halkan ku xusaynaa in sanadkii 2001bishii November, markii wakhtigii xukuumaddasi dhamaaday, aanu talooyin ka koob shan iyo toban qodob soo jeedinay; kuwaas oo aanu wax ku ool u arkaynay iyo in lagaga gudbi kari lahaa xaaladii markaa taagnayd; sida aanu aaminsanahayna haddii la qaadan lahaa maalintii aan dhibkan maanta taagan lala kulmeen". Talooyinkaa waxa ka mid ahaa in dawladdii wakhtigaa joogtay ee Marxuum Maxamed X. Ibrahim Cigaal (Ilaahay Ha U Naxariistee) wakhtiga loo kordhiyo muddo sanad ah; mudadaana la sameeyo dawlad wadaag ah oo dalka doorashoyin usii diyaarisa; sida loogu kordhinayo wakhtiguna uu ahaado wax-ka-bedelid dastuurka lagu sameeyo ee aan la adeegsan qodobka 83. Talooyinkaa aanu berigaa soo jeedinay waxa laga qaatay laba qodob (kordhinta sanadka iyo dib-u-furida diwangelinta xisbiyadda) oo intii kale lama qaadan. Waxa aanu sidaas darteed aaminsanahay, horena u aaminsanayn in danta Somaliland ku jirto ilaalinta sharciga iyo marba wixii dadkeeda iyo dalkeeda u dan ah. Maantana waxa ay noola ekaatay in talooyinkaa aanu kor ku xusnay dantu ku jirto. Waana qaar cid kasta khuseeya oo aanu u aragnay inay danta guud ku jirto maadaama aanu dhexdhexaad ka nahay tartanka doorashooyinka ee socda. Waxaanu mar kasta idinku adkaynaynaa inaad wax walba ka hor marisaan ilaalinta dastuurka iyo wadajirka Somaliland.

Wa Billahi Tawfiiq, Somaliland Forum 

Dahir A. Jama (Guddoomiye) 
Ahmed H Ismail (G-Xigeen) 
Omer Hassan (Xubin) 

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Cafis U Fidiyay 368 Maxbuus

Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay cafis u fidiyay 368 maxbuus oo ku jira xabsiyada dalka.

Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale, wuxuu madaxweynuhu ku beegay munaasibada Ciida barakaysan ee ciidal-udxada, wuxuuna cafiskaasi dhaqan galayaa laga bilaabo February 9, 2003, oo ahayd shalay. Laakiin cafiska madaxweynaha waxa ka reeban dadka loo haysto dambiyada la xidhiidha mukhaadaraadka, been abuurka lacagaha, budhcadnimada, kufsiga, qofka mag-dhawga loo haysto, dambiyada lidka ku ah qaranimada Somaliland, dambiyada ciidamada, iyo dambiyada lidka ku ah nolosha badbaadada shakhsiga ah.

Sidoo kale cafiskani ma saamaynayo eedaha la xidhiidha xuquuqaha madaniga ah ee dawladda ama dadweynaha. Marka la eego maxaabiista uu cafiskani saamaynayo waxa lagu tilmaamay inay yihiin maxaabiista uu xukun maxkamadeed ku dhacay.

Top


Wararka Dibadda 

Dalalka Maraykanka Iyo Yurub Oo Ku Kala Qaybsamay Xiisadda Dalka Ciraaq

Bonn (W. Wararka): Dawladaha Maraykanka iyo kuwa reer Yurub ee ay xulafada yihiin ayay xaaladda Ciraaq ku riday kala-qaybsanaan weyn, iyagoo mawqifyo kala duwan ka yeeshay waxa laga yeelayo Ciraaq.

Kala qaybsanaantani, waxa ka soo dhex baxday kulan ku saabsan ammaanka oo ka socda Jarmalka, halkaasoo la isku mari la’ yahay arrintaasi. Wasiirka Difaaca ee Maraykanka Donald Rumsfield oo dawladiisa uga qaybgalaya shirkaas, ayaa ku adkaystay in xoog milateri lagu xaliyo arrinta Ciraaq, balse dawladaha reer Yurub, gaar ahaana Jarmalka Iyo Faransiiska ayaa ku gacan saydhay mawqifka Maraykanka, iyaga oo dawladaha Jarmalka iyo Faransiiska shaaca ka qaaday Qorshe ay wada wadaan labada dal, kaas oo ay hor geyn doonaan toddobaadka soo socda Golaha Ammaanka, taas oo ay ujeedadiisu tahay sida ugu haboon ee Ciraaq looga dhigayo.

Sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee Jarmalku, Peter Schtrok oo ka hadlayay shirweyne ku saabsan ammaanka oo ka socda dalka Jarmalka. Qorshahan cusubi, waxa uu ka kooban yahay in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ay kor meeraan hawsha baadhayaasha hubka Ciraaq, isagoo intaa ku daray inuu rajaynayo in Golaha Ammaanku ay aqbali doonaan qorshahoodan cusub fadhiga ay yeellanayaan bishan 14-keeda, iyagoo dhegaysanaya warbixinta ugu dambaysa ee ay soo bandhigayaan baadhayaasha hubku hawshii ay ka wadeen Ciraaq. 

Sidoo kale, Dawladda Faransiiska, ayaa iyaduna caddaysay inuu jiro qorshahaa ay wada wadaan Dawladda Jarmalka, kaas oo aan weli faahfaahin laga bixin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maalintii shalay cara-baabay taageerada ay dawladiisu u hayso qorshaha ay wadaan dawladaha Jarmalka iyo Faransiisku. Vladimir oo booqasho ku maraya dalalka Yurub, waxa lagu wadaa inuu dawladahaasi kala xaajoodo qorshahan cusub, marka uu booqdo dhawaan. 

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca ee Ruushka ayaa isna sheegay in dawladdiisu taageerayso qorshaha Faransiiska iyo Jarmalku, si looga fogaado dagaal ka dhaca Khaliijka iyo in la xoojiyo hawsha baadhayaasha hubka Ciraaq, haddii ay ka horyimaadaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka kulankooda maalinta Jimcaha.

Top


Madaxa Baadhayaasha Hubka Oo Digniintii U Jeediyay Ciraaq

Baqdaad (W. Wararka): Madaxda baadhayaasha hubka ee ku sugan Ciraaq, Hans Blix iyo Maxamed Baraadici oo booqasho kama-dambays ah ku jooga dalka Ciraaq, iyagoo wada hadalo la leh masuuliyiinta dalkaasi, iyagoo diyaarinaya warbixintooda u dambaysa ee ay u gudbinayaan golaha ammaanka maalinta Jimcaha, ayaa u soo jeediyay digniintoodii u dambaysay maamulka Ciraaq, si ay iskaashi buuxa ula samayso baadhayaasha hubka.

Wada hadalladii u dambeeyay ee ay la yeeshaan Masuuliyiinta Ciraaq, waxa loogu dhiibay qoraalo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo muhiim ah, inkastoo aan daboolka laga qaadin waxa ku qornaa, balse waxa darsaya khubarada caalamiga ah, si ay u qiimeeyaan xajmiga ay yeelanayaan qoraaladaasi. 

Dhinaca kale, Baadhayaasha Hubka ayaa sii wada hawshii ay ka wadeen dalka Ciraaq, iyadoo Dawladda dalkaasina ay muujisay maalmahan u dambeeyay iskaashi intii hore ka ballaadhan, waxaanay u ogolaatay in ay baadhayaasha hubku su’aalo weydiin karaan culimada iyo khubarada dhinaca hubka ee dalkaas.

Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa iyaguna sii wada cadaadiska ay ku hayaan Dawladda Ciraaq, si ay iskaashi ballaadhan u samayso, waxaana lagu soo waramayaa in diyaarado ay leeyihiin labadaa dal ay duulimaadyo dhoolatus ah ka sameeyeen hawada dalka Ciraaq. Waxa kale oo ay sii wadaan in ay Khaliijka ku soo ururiyaan hub iyo ciidamo tirobadan, iyagoo u diyaar garoobaya dagaal ay ku qaadaan Ciraaq.

Top


Madaxweynayaasha Masar, Liibiya Iyo Suuriya Oo Ku Kulmaya Shir-Madaxeed 

Sharma-Sheekh (W. Wararka): Shir-madaxeed ay ku kulmayaan Madaxda dalalka Masar, Liibiya iyo Suuriya, ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dhaco magaalada Sharm-Sheekh ee dalka Masar.

Shir-madaxeedkan ay ku kulmayaa Madaxdaasi, waxa ugu weyn ee lagu soo qaadayo waa xaaladda dalka Ciraaq iyo sidii looga hortegi lahaa weerar lagu qaado dalkaasi. Arrintani waxay ku soo beegantay, iyadoo uu Sucuudigu soo jeediyay qorshe ay ujeedadiisu tahay sidii looga hortegi lahaa dagaal ka dhaca Khaliijka. Qorshahaas oo la sheegay inuu dhigayo in la siiyo Madaxweynaha Ciraaq cafis iyo megan-gelyo, haddii uu ka baxo Ciraaq, waxaana lagu wadaa in madaxdaasi ay Madaxweyne Sadaam Xuseen u diraan fariintii ugu dambeysay ee arrintaa ku saabsan, balse Masuuliyiinta Ciraaq ayaa arrintaa meesha ka saaray. 

Kulani wuxuu dhacayaa iyadoo dalalka Carabtu ay ku hawlan yihiin dhaqdhaqaaq dublamaasiyadeed oo ku waajahan xaaladda Ciraaq, waxaana lagu wadaa in ay Wasiirada arrimaha dibadda ee Carabtu isugu yimaadaan shir degdeg ah badhtamaha bishan, kaas oo ka soo hormaraya shirmadaxeedka lagu wado in ay Carabtu isugu timaad bisha March ee soo socota.

Dhinaca kale, waxa meelo badan oo Caalamka ah ka dhacay mudaharaado lagu diidan yahay weerar lagu qaado Ciraaq. Mudaharaadadii ugu dambeeyay waxay ka dhaceen dalka Induniisiya oo ay boqolaal kun oo qof isugu soo baxeen caasimadda Jakarta. Waxa kale oo ay mudaharaado ka dhaceen dalka Jarmalka oo iyagana lagu diidan yahay weerar lagu qaado.

Top


Weerar Lagu Qaaday Askar Reer Israa’iil Ah

Qudus (W. Wararka): Saddex Falastiiniyiin, ayaa dhintay, afar askarta Israa’iiliyiinta ahina way ku dhaawacmeen kadib markii ay Falastiiniyiintaasi soo weerareen maalintii shalay xero milateri oo ku taalla daanta galbeed ee marinka Qasa.

Sarkaal u hadlay dhinaca askarta Israa’iil, ayaa sheegay in ay Falastiiniyiintu ku soo weerareen gaadhi, isla markaana ay soo rideen gantaalo, laakiin ay ciidamada Israa’iil ugu jawaabeen rasaas, taasina ay keentay in gaadhigaasi gubto. Warku wuxuu intaa ku daray in askartaa dhaawaca ah oo ah afar askari aan la garanayn cida ka masuulla weerarkaas. Laakiin dad goob jooga ayaa sheegay in aanay jirin rasaas dhacday, hase yeeshee uu jiray qarax halleelay gaadhi cad oo marayay meel ay joogeen askartu.

Dhinaca kale, Wargeys ka soo baxa dalka Israa’iil, ayaa cadadkiisii shalay sheegay in ay Maraykanka iyo Israa’iil ku heshiiyeen in ay hogaamiyaha Falastiin Yaasir Carafaat, haddii uu ogolaan waayo inuu arko Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil in lagu khasbo inuu sida Sadaam Xuseen ka dego Xukunka. Sida ay sheegtay Jariiradaasi, iyadoo soo xiganaysa Masuul sare oo Israa’iili ah in Ariel Sharon iyo Madaxweyne Maraykanka Bush ay heshiis ku gaadheen in ay Israa’iil ka mastaafurin karto Carafaat iyo ehelladiisa ku dhowba, haddii uu dhulka waxba ka qaban waayo wuxuu ku tilmaamay Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, weeraro dhinaca Maamulka Falastiin ee daanta galbeed kaga yimaada.

Sarkaalkaasi, wuxuu kaloo uu sheegay in aanay jirin wax faraq ah oo u dhexeeya Carafaat iyo Sadaam Xuseen aragtida ay ka qabto Dawladda Maraykanku. Wargeysku wuxuu intaa ku daray inuu heshiiskan Sharon iyo Bush ay gaadheen ku yimi kulamo goos-goos ah oo ay yeesheen Maamulaha Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil iyo Masuuliyiin Falastiiniyiin ah toddobaadadii ugu dambeeyay si sir ah.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Xaasha’e, Somaliland Ma Geydo...!! 

Waxaan muran ka jirin kana ceeb la’ mugdi iyo leexleex, sidii dadka reer Somaliland xoriyadoodii iyo koobka qaran-nimadoodii ay ugu hureen jacalka ay u lahaayeen dawlad koobta dadka Soomaaliyeed ee mustacmarkii, midab uu doono ha yeeshee, shanta qaybood ka dhigay. Reer Somaliland xiise gaar ah umay qabin dadkii ku noollaa qaybtaa Soomaaliyeed ee Talyaanigu xukumi jiray ee waxa qaranimadoodii Xamar ay u geeyeen ahayd in labadaa qaybood ee shantaa Soomaaliyeed madaxbanaanida ka helay 1960-kii midoobaan, si ay unug ugu noqdaan himiladoodii ahayd in la helo dawlad ka dhaxaysa Soomaali oo dhan.

Waxa taariikhdu inoo cadaysay oo kale, cida sida dhabta ah ugu heelanayd himilada Soomaali weynta in ay ahaayeen reer Somaliland. Niyad samidaa reer Somaliland iska daa waxay u dhasho ee waxay noqotay bartilmaameedkii ay ka cad goosan lahaayeen intii hogaanka Siyaasadda u haysay Soomaalida. "Gal dad liq ah ulbaa layskaga dayaa." Waa maahmaah baxday. Taa iyaga oo ku taagan, ayaa madaxdii Soomaaliya halliyeen qoladii reer Somaliland oo weydiisteen in muddo lix bilood ah, midaynta labada dal (Somaliland iyo Soomaaliya) la hakiyo. Taasi waxay noqotay mid casar dheerba caadifadii laxaadka lahayd ee reer Somaliland jaaniga mariso.

Teeda labaad ayey noqotay in Siyaasiyiintii reer Xamar in ay si degdeg ah u dhigaan. Teedkaas oo noqday in Xamar noqoto caasimadda, yeelatana Madaxweynaha, Wasiirka koowaad, Taliyaha Milateriga, Taliyaha Booliska iyo waliba xulka wasaaradaha oo ay ka mid noqdeen; Wasaarada Gudaha, Dibadda, Maaliyadda iyo qaar kale oo badan. 

Hore ayaa loo yidhi; "Nin meeli u caddahay meeli ka madow." Isha reer Somaliland-ba aragti u may lahayn meelahaa soke ee ay ka mid tahay sadka ay ka helaan Dawladda ku eg labadaa qaybood ee unuga ah. Sidaa darteed, waxay ka raaceen ujeedadii geyaysiisay in ay qarannimadoodii u huraan si Somaaliweyn u midowdo, iyagoo ayna ka dahsoonayn hunguriga iyo naf jacaylka Madaxda Soomaaliya ka muuqata.

Waxa kale oo meelmar noqotay, iyadoo siyaasiga reer Xamar ka duulayo "Dantaada gaarka ah maqaar Ey-na waa loogu fadhiistaa," Siyaasiga reer Somaliland-na u soo ban-baxay inuu u hagar baxo danta Soomaaliyeed ee uu Madaxbanaanidiisii u huray, iyadoo Madaxda sare ee wasaaradaha cusub noqdaan, una bataan reer Somaliland. Sadkaa culus, wuxuu noqday mid aqoontii Xamar-na dhiig cusub ku tallaashay, wiiqdayna tamartii Somaliland dhinac kasta marka laga eego. Waxa halkaa Xamar uga unkamay maamul ku salaysan "Transparency" oo aan sidig u ahayn maamulkii Talyaanigu ay ka dhoofeen. Waxaa taasi keentay in 10-sannadood gudahood tacliintii Soomaaliya la simanto tii Somaliland ee dawladaha Common Wealth ku aadanayd. Waa tusaale dhinac keliya ah.

Intaan dawladnimadii labadaa qaybood ee 1960-kii la helay gu’ jirsan, ayaa dadweynihii reer Somaliland dhadhansadeen in xaaladdu tahay "Nin-na dhaqashuu kuugu dhabar-jabay, ninna dhuunuu kuu dhex joogaa," waxayna taladoodii noqotay in ay reer Xamarka dhirbaaxo u geystaan bal in ay hogaaminta dalka wax ka beddelaan, una muujiyaan in danta reer Somaliland ka durugsan tahay in lagu adeegsado oo keliya. Dhirbaaxadaasi waxay noqotay in ay ku diidaan codbixintii guud ee distuurkii Jamhuuriyadda cusub loo qaaday cod dhan 65%, taas oo la qabtay 1961-kii. Dareenka culus ee sida badheedhka ah reer Somaliland u muujiyeenna noqon mid ay madaxdii reer Xamarku dheg u jalaqsiiyaan ee muraadkoodii hore ayay ka raacdeen, reer Somaliland mar labaad ay hortimid runta ah "Dani waa seeto" ku qanceenna in ayna ka gudbi karin.

Waxa dhab ah in labadii walaal ee wadaagay dawladdii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960-kii ka maato-daadahayska, dhallaan ababinta, hagar la’aanta iyo hogaan wanaaga lahaa yahay kii ka soo horjeeday Somaliland. Ma aha arrintani mid af laga yidhi, ee waa mid taariikhdu ka marag furtay, abaalkeediise Somaliland muxuu noqday? Soo hadal qaadi maayo, diyaarad Qaranka ka dhexaysay oo duulimaadkeedu noqday in ay burburiso magaaladii ay garoonkeeda ka kacday, tamashlaha Xamar lagaga yimid si loo daawado magaalooyin haawanaya oo dadkii lahaa bara-kac xididdada loogu saaray, lanana simay dhulka, una ban-bixi maayo eedaadka tiro beelay ee dadka reer Somaliland soo mareen ee xasuuqa lahaa, waxaase falaadh cusub igu ah "Somaliland, Puntland, Banaadirland, Cawraloland" ee ka soo yeedhay C/qaasim Salaad. Arrin fajac I gelisay maaha ee waa mid waxtar ah. 

C/qaasim Salaad, ninkuu ahaa ayuu inoo sheegay. Labaatankii sanno ee Maxamed Siyaad Barre dalka xukumaayay, C/qaasim taliskiisii foosha xumaa ayuu Xukunka la wadaagayay 18 sannadood! Inuu Cawralaland oo ay weheliyaan magacyo kale oo gadaal-bax ah la simo Somaliland, xaasha’e waa mid ayna Somaliland geyin. Layaab-se maaha, ee waa hadal naxli ah oo afku ka boobay nin Rajiimkii uu ka tirsanaa la qaawiyay, soona ood jeexay cabudhaadii sannadaha dheer uu ku hayay. Waa mid ku jihaysan USC-dii dhibtaa u keentay iyo cidii ay bah-wadaagta ay la ahaayeen. Waa dareen cad oo la helay, jawaabta arrintaa C/qaasim Salaad ka soo yeedhay, waxaan u dhaafayaa ragga la dhashay ee og waxa Somaliland gasho ama guddaba oo ay ka mid yihiin C/laahi Majoor, Muusa Yalaxow, Xuseen Caydiid iyo in badan oo dhigooda ah!

Somaliland waa qaran meel maray, Soomaaliya ayay u taallaa sida ay uga badbaadi lahaayeen C/qaasim Salaad iyo aynigiisa. Haddii kale, xaaladdu waxay ku dambaynaysaa "Maxaa daal la korodhsaday."

Aadan Baxnaan, Hargeysa

Top


WAAYAHA DHALLINYARADA

Xasan Xoosh

Saamaynta Ururrada Ardaydu Ku Leeyihiin Nolosha Siyaasadeed Ee Indonesia 

Ururada ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka Indonesia waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin ururada dhalinyaradu maamulaan caalamka kuwa ugu firfircoon isla markaana ugu saamayn weyn dhinacyada nolosha kala duwan, Waxa ay ururda Ardaydu ku lahaayeen ilaa iyo maantana ku leeyihiin saamayn weyn nolosha wadanka Indonesia gaar ahaan arimaha siyaasada in ka badan toban sanno.

Ururadaas oo ka tarjumaaya dhibaatooyinka iyo himilooyinka dadweynaha reer Indonesia, iyaga oo kala kumi jiray dawladihii iskaga danbeeyay ee xukunka hayay ee xorriyadooda u diidi jiray in ay kala kulmaan dil, xasuuq, cabudhid iyo xidhisba, Ururada ardaydu hadaba waxay ku guulaysteen in ay ku gadoodaan oo ay xaqooda ka dhacsadaan dawlado iyo madax kala duwan, taas oo raad weyn ku reebtay nolosha dadka iyo nolosha siyaasadeed ee dalkaas, taas oo ay dad faro badani ku garab-istaageen hiil iyo hooba iyaga oo halganka dhalinyaradaasi sameeyeen la yaaban, halka ay qaar kale ku gacan-saydheen oo ay ardayda ku eedeeyaan in ay faraha la galeen waxaanay shaqo ku lahayn.

Hadaba waa maxay waaqica ay ku noolyihiin ardaydaasi ee u saamaxay in ay isbadaladaas waaweyn ku sameeyaan dalkooda.

Laba cali kuma murrmi karaan hawsha baaxada weyn ee ay ardaydu ka soo ciyaareen nolosha siyaasadeed ee dalkaas, halkaas oo ay ku guulaysteen hawshii ay ku fashilmeen ururada siyaasadeedka dalkaasi, iyaga oo ka curiyay dalka nabadda iyo horumarka ay maanta hadhsanayaan.

Halgankoodii ugu weynaana waxa uu bilaabmay 1998 markii ay xukunka ka qaadeen madaxweynihii dalkaas xukunka u hayay "Sohaarto" iyada oo intaa ka dib dalku isku badalay dal dimuquraadi ah oo xorriyad leh, isaga oo dalka ku xukumaayay gacan bir ah in ka badan 32 sanno, ardaydu iyaga oo dhibaato faro badan soo maray waxay 1998 maryaha ka faydeen xukunkii Sohaarto ka dib markii ay qabsadeen barlamaanka dalkaasi dhawr ayaamood, halkaas oo ay ku khalkhaliyeen diiradihii dadka arimaha siyaasada ka faalooda ee Indonesia iyaga oo marnaba ka filayn in ay ardaydan yar-yari gilgilaan xukunkii dalka ka jiray.

"1998 dalku waxa uu ku sugnaa xaalad adag, dadka waxa ku habsaday dhibaatooyin dhaqaale oo aad u adag, markaa anaga oo arintaa ka faa’iidaysanayna waxaanu soo abaabulnay kumanaan arday ah, anaga oo samaynay mudaaharaadyo waaweyn caasimada dhexdeeda, intaa ka dib waxaanu qabsanay dhismihii barlamaanka anaga oo kaga soo horjeedna dawlada iyo ciidamadaba, anaga oo ku joojin mudaaharaadkayagaa ilaa uu xukunka uu iska dhiibay Suhaarto!" sidaa waxa yidhi gudoomiyihii hore ee ururada ardayda Fatra Arsiil.

Isaga oo hadalkii sii wata waxa uu yidhi: "Markaanu talaabadan qaadaynay waxa noo qorshaysnaa dhawr qodob oo ay ka mid yihiin:

  1. In xukunka laga rido Sohaarto, maxkamadna la oo taago.

  2. In Ciidanku uuna soo faro galin siyaadadda.

  3. In dastuurka wax laga badalo.

  4. Ladagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul xumada dalka ka jirta.

  5. Iyo in dawlada laga nadiifiyo raggii dawladii hore ee musuqmaasuqa la soo shaqayn jiray.

Qodobadaan aan soo sheegay qaar waan ku guulaysanay, kuwa kalena waanu ku hawlanahay.
Guulaha ay soo hooyeen ardaydu may ahayn mid si fudud ay u heleen, balse waxa ay u bixiyeen noloshoodii iyaga oo iska horyimaadadii kala gadisnaa ee ay iskaga hor yimaadeed ciidamada dawlada ay ka dhinteen arday faro-badani kalka ay qaar kalena oo faro-badaninna soo gaadhay dhaawacyo laxaad lihi, intii ka badbaaday dhimashadii waxay sameeyeen carwo ku xusuusanayaan saaxiibadoodii geeriyooday dagaaladii ay kula jireen Dawlada.

Carwadaas oo ay maanta ku soo bandhigaan sawiradii ay filimadii laga duubay maalmiihii halgankii qadhaadhaa, marka aad gasho carwadaa waxaad dareemaysaa inuu leekaa kacdoonka ardaydu ay sameeyeen.

"Carwadani waxa ay xasuusinaysaa dhamaan ardayda guulihii ay soo hooyeen saaxiibadood, iyo sida ay ugu hagar-bexeen halgankooda, iyaga oo la dagaalamaaya dilmigii dalka ka jiray, dhinaca kalena waxa uu dhiiri galin u yahay ardayda maanta joogta in ay halgankii sii wadaan oo aanay joogi" sidaa waxa yidhi arday ka mid ah ardaydii ka qayb-qaadatay kacdoonkii ardayda.

Ilaa iyo maanta ururada ardaydu waxay qayb libaax ka qaataan hagaajinta dalka iyo sixidda dawlada iyaga oo ka tarjumaaya himilooyinka dadweyna reer Indonesia, iyaga oo adeegsanaaya banaanbaxyada iyo shaqo-joojinta si ay dawlada ugu khasbaan arimaha ay doonayaan.

"Anaga waxa nasaaran mas’uuliyad weyn oo ay noo wakiisheen bulshoweynta reer Indonesia, sidaa awgeed iyada oo ay dawladu khaladkii ku sii socoto, waxa weeyi in aanu noqono dhaqaajiyaha kowaad ee saxa siyaasada dawlada, aniguna wax dhib ah uma arko inaanu noqono arday isla markaana aanu siyaasada dawlada wax ka badalno" sidaa waxa yidhi gudoomiyaha ururada ardayda Mr. Riiko Maryoon.

Qaar ka mid ah ragga ka soo hor jeeda dhaqdhaqaaqyada ardayda waxa ay qabaan inay ardaydu soo faro-galin arimaha siyaasada oo ay ku koobnaadaan arimaha bulshada iyo wixii la mid ah.

Inkasta oo ay ardaydu leeyihiin dhaqdhaqaaqyo kale oo la xidhidha arimaha bulshada sida caafimaadka, wacyigalinta iyo taakulaynta maatada, hadana kaalinta ay siyaasada dalka ay kaga jiraan marnaba kama tanaasulayaan.

"Ururkayagu ku ma koobna oo qudha dhaqdhaqaaqyada dhinaca siyaasada, laakiin waxa jira dhaqaqaaqyo kale oo barbar socoda sida: 

  1. Ururinta deeqaha lacagta ah ee ay dadku bixiyaan.

  2. Caawinta dadka tabaalaysan.

  3. Iyo dhaqdhaqaaqyo wacyi-galineed.

Anagu kacdoonno oo qudha masamayno’e waxaan ka qayb-qaadanaa wax ka qabadka dhibaatooyinka soo waajaha bulshadayada" sidaa waxa yidhi gudoomiyaha ururda ardayda.
Isaga oo halakiisii sii wata waxa uu yidhi: "Ciidamada dawladu waa in ay ogaadaan in ay ardaydu ahayn cadawgooda balse uu cadawgooda kowaad ay yihiin dadka musuqmaasuqa ku dhaqma ee regaadiyay hay’adaha dawlada, anaguna ma jeclin inaan ciidamada isku dhacno, laakiin waxa soo adeeg sanaaya dad dano gaar ah wata si ay u cabudhiyaan ururada ardayda iyo kuwa dhalinyarada, laakiin waxaan leeyahay wuu dhamaaday wakhtigii cabudhintu..."

Dhaqdhaqaaqa ardaydu waxa uu ku jiraa imika "Al-Casri Al-dahabi" maalmihii ugu wanaagsanaa iyaga oo maamulka ururada u doorta si xorriyad iyo hufnaani ku dheehantahay, iyada oo wax dhibaato ah ama farofarayn ah kala kulmin dhinca dawlada iyo dhinaca maamulada jaamacadahaba.

Inta danbe waxa soo baxay in ay ururada siyaasadu ka dhex kaluumaystaan ururada ardayda dhaxdooda si ay ururadoodu taageerooyin faro-badan u hantiyaan, taasina waa talaabadii ugu horeysay ee diyaarinaysay hogaamiyayaasha mustaqbalka dalka.

Hadaba dhaqdhaqaaqa ururada ardayda ee dalka Indonesia waa qayb aana marnaba ka go’ayn nolosha dimiquraadiyada ah ee uu dalkaasi hadhsanaayo ka dib inii xukunka laga riday Sohaarto 1998, ururada ardayduna waxa ay la mid yihiin ururada kale ee dalka ka jira, waxa soo waajaha dhibaatooyin, hor istaag iyo baabiinba, hase ahaatee waxa ay yihiin tusaaleha waligiiba jiridoona ee ay eegan doonaan dhalinyarada iyo jiilka danbe ee soo koraaya.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  1. Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  2. Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 84aad

Mingistu: IHABA-du dilalkii ay geysanayeen markii ay xad-dhaaf noqdeen ayey shicibku cabsi la joogi waayeen, ka dibna nagu soo jabeen, kuwaas oo noo yimi iyaga oo xaafad-xaafad ah, ka dibna nagu yidhi "Hub na siiya."

Run ahaantii shicibku markii ay u adkaysan waayeen layntii IHABA-da ayay sida daadka noogu soo jabeen, taas oo aad Xafiisyada hortooda ku arkaysay dad ciidaa ka badan oo hoganaya, waxayna dadweynuhu xataa mar soo weerareen madaxtooyada iyaga oo ciidaa ka badan, taas oo ay ilaaladii madaxtooyadu joojin kari wayday, waayo shicib lama rasaasayn karo. 

Laakiin dadkaasi waxay isa soo dhoobeen xerada dhexdeeda, iyaga oo sita qoryo xaabo ah, ka dibna inta ay qoryihii xaabada ahaa meel qudha is dul-tuuleen ayey yidhaahdeen "Ma waxaas ayaanu isku difaaci karaynaa, hub na siiya nala madhiye", dadweynuhuna marka ay sidaa na leeyihiin aad bay u xanaaqsanaayeen, sidaa darteed siyaasiyan markii aanu aragnay dadka intaa tirada le’eg ee isu soo baxay iyo cadhada ka muuqato, waxay iswaydiintu tahay maxaa nala gudboonaa?

Laakiin marka la eego itaalkayagu inta uu le’ekaa, meesha aanu joognay iyo xaaladdu sida ay ahayd waxa lagama maarmaan ahayd in arinta taagan hoos loo eego.

Nimanka maanta leh waxaanu nahay niman wax bartay ee khabiirada isku sheegaya, iyaga oo aan miisaami karayn ama qiimayn karayn sidii ay berigaa xaaladdu ahayd ayaad hadana dacwado nagua wadaan, laakiin aad baan arintaa ula yaabaa. Hase yeeshee anagu waxaanu ahayn kuwo shicibka waxa ka soo yeedhaya hubiya, ka dibna waanu toosin jirnay, balse maanu awoodi karayn inaanu sharciga ilaalino, isla markaana aanu shicibka wadada toosan tusno, waayo maanu lahayn awood aanu wax ku kaantaroolo, taas ayeyna ahayd dhibaatada weyn ee meesha taalay.

Ta labaad mawqifka aanu sidanay iyo tirada dadka ee aanu haysanay markii aanu eegnay waxaanu aragnay inaanay dawladi shicib la’aanteed jiray, shicibkuna dawlad la’aan aanu jirayn. 

Laakiin talaabooyinka qal-qalafsanaa ee ay IHABA-du qaadaysay iyo inta qof maalin walba dhimanaysay markii aanu aragnay, waxa noo muuqatay inaan laga aamusi karin waxa socda, waayo waxay iswaydiintu tahay nimankaas iyaga oo aan shicibka ku odhan, isla markaana aan waxba waydiin marka ay dilaan miyey tahay in laga aamuso? Miyey dawladdii dhibaatada intaa le’eg ee dadka loo geysanayo daawan karaysaa. Sidaa awgeed dhibaatadii guud ahaan dalka ka jirtay iyo cadhadii shicibka ee qaraxday marka la isku daro farsamo aanu isku celin karno maanu lahayn, waayo itaalkayagu waxa uu ahaa mid kooban, markaa waxa loo baahan yahay in arimaha noocaas oo kale ah laga fekero, balse ma qurux badna in si degdeg ah la isaga xukumo.

Iyadoo ay xaaladdu sidaa ahayd, hadana arinta la leeyahay waxa la baabi’iyey fac dhan oo dhalinyaro ah, taasi waa been sideedii ah, laakiin marka sidaa la leeyahay IHABA-du ma dhalinyaro intaa tiro le’eg ayey tababartay, ta kale waxay iswaydiintu tahay xubnihii IHABA-da ee u horeeyey imisa ayey ahaayeen?

Ganat: Way cadahay inay IHABA-du dhalinyarada gudaheeda ku badnaayeen, taa miyaad beeninaysaa?

Mingistu: Horta IHABA-du may urursan dhalinyaradii Itoobiya oo dhan, waayo anaguba dhalinyaro na taageeraysay waanu lahayn. Tirada guud ee xubnihii IHABA-da ka tirsanaa marka la isku wada daro afar ilaa shan kun kama badnayn, waayo tusaale ahaan anaga oo dawlad ahaan u hawl-gelaynay, isla markaana meel walba cid ku tababaraynay oo lahayn "nin walba meeshiisa halagu tababaro" ayuu xisbigii ISABA-da ee 17-ka sannadood soo halgamayey marka la isu wada geeyo xubnihii meesha ka baxay iyo kuwii khaaska ahaa la isku wada geeyo waxay noqonayaa ilaa 70 kun oo xubnood...

La soco cadadka dambe.

Top


FAAQIDAADDA ADDUUNKA

Siciid I. Guraase

Ma Rumoobi Doontaa Riyada Foqorada Afrika?

Waxa todobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa shir madaxeed aan caadi ahayn oo ay ku kulmeen madaxda dalalka Afrika ee ku bahoobay ururka midawga Afrika (AU), oo badalay ururkii hore ee midnimada Afrika O.A.U. Ujeedada ugu wayn ee shirkan loo qabtay ayaa ahayd dhamaystirka xeerarka iyo qawaaniinta loo dejinayo ururka cusub ee lagu midaynayo dalalka qaaradda Afrika, oo markii ugu horeeyay ay go’aamiyeen madaxda Afrika shirkii ay ku yeesheen magaalada Sirt ee dalka Liibiya sanadkii 1999-kii.

Ururkani oo badalaya ururkii O.A.U. oo jiray muddo 39 sanadood ah waxa la aasaasay sanadkii 1963-kii markaasoo ay shir ku yeesheen madaxda Afrika caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Sababaha loo aasaasay ururkan cusub waxa lagu soo koobay shan qodob oo kala ah: -

  1. In ururka midawga Afrika laga dhigo mid la jaan qaadi kara isbedelada ka dhacaya qaaradda Afrika ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada ee gudaha iyo dibadaba.

  2. In la qaato oo la dhaqan galiyo mabaadii’idii midaynta Afrika ee ay seeska u dhigeen hogaamiyayaashii hore ee Afrika si loo adkeeyo wada jirka dadka reer Afrika loogana gudbo xuduudaha cidhiidhiga ah ee lagu kala xayiray dadka reer Afrika.

  3. In la sii wado halgankii ay ku soo jireen shucuubta Afrika si ay u suurta gasho in bulshada Afrika ugu noolaato nolol fiican qarnigan cusub ee 21aad.

  4. In la ogaaado carqaladaha ku gudban qaaradda Afrika si loo suurto galiyo midnimo buuxda oo dhexmarta dadka Afrika.

  5. In la gufeeyo lana daweeyo carqaladahaa iyo dhibaatooyinka haysta Afrika, lana waafajiyo waaqica siyaasiga ah ee ka taagan Afrika.

Ka dib madaxda dalalka Afrika waxay ku meel mariyeen qaanuunka ururkan cusub shir madaxeedkii ay ku yeesheen caasimada dalka Togo ee Loome bishii Julay sanadkii 2000 ka dib markii ay ogolaadeen 36 dawladood oo ka mid ah Afrika.

Qaanuunka loo dejiyay ururkan cusub ee midawga Afrika waxa uu ka koobanyahay 33 qodob oo ay ugu horeyso ahdaafta loo aasaasay ururka oo ay ka mid yihiin.

1 In la difaaco xornimada dhamaan dawladaha xubnaha ka ah midawga Afrika.
2 Dedejinta isku duubni siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo dhexmarta Afrika.
3 Xoojinta, nabadagelyada, amaanka iyo deganaashaha qaaradda Afrika.
4 Dhiirigalinta nidaamka dimuqraadiga iyo hay’adihiisa si ay ugu suurta gasho bulshada Afrika inay ka qayb qaataan xukunka.
5 Ilaalinta xuquuqda Aadamaha sida uu dhigayo xeerka xuquuqda aadamaha Afrika iyo xeerarka kale ee caalamiga ahi.
6 Dedejinta horumarka Afrika gaar ahaana dhinaca tiknoolajiyada.

Waxaa kale oo ka mid ah qodobada xeerka ururka Midawga Afrika
Mabaadii’ida midawga oo uu ka hadlayo qodobka Afraad waxaana ka mid ah mabaadii’idaa
7 Mabda’ sinaanta iyo wada jirka dawladaha xubnaha ka ah ururka
8 Ixtiraaamka xuduudihii laga dhaxlay Gumaystayaashii Afrika
9 Dhisida siyaasad difaac midaysan oo ay yeelato Afrika.
10 Mamnuucida xoog iyo hanjabaad ay isku adeegsadaan dalalka Afrika
11 In aan la fara galin arrimaha gudaha ee dalalka Afrika.
12 Inuu ururku xaq u leeyahay inuu faro galiyo, haddii dal ka mid ah ay ka dhacaan arrimo khatar ahi, sida dambiyo dagaal iyo xasuuq dadweyne.
13 Waxay dawladuhu xaq u leeyihiin inay codsadaan faro galinta ururka haddii ay ka dhacaan qalalaase siyaasadeed.
14 In la ixtiraamo muqadasnimada nolosha dadka lalana dagaalamo argagixisanimada 
15 In la diido isbedel kasta oo aan, dastuuri ahayn oo ka dhaca dawladaha Afrika lana cambaareeyo.
Waxa kale oo kale oo xeerka ka mid ah qaab dhismeedka ururka oo ka kooban 17 waaxood oo ay ugu muhiimsan yihiin
16 Shirweynaha ururka
17 Golaha fulinta oo ah wasiirada arrimaha dibada 
18 Baarlamaanka guud ee Afrika
19 Maxkamada cadaalada
20 Gudiga wakiilada joogtada ah oo ah safiirada Afrika
21 Gudiyada farsamo ee gaarka ah
22 Golaha dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka
23 Baanka dhexe ee Afrika

Marka aynu eegno qodobada waa qaar rajo weyn iyo yididiilo ku abuuraya dadweynaha Afrika oo ay soo daashadeen khilaafyo, dagaalo, xasuuqyo iyo qalalaase siyaasadeed oo ay ku soo jireen muddo aad u dheer si aynu u fahamno xaalada Afrika aynu eegno qaaradda Afrika iyo wayaha ku gadaaman.

Afrika waa qaarad u dhaxaysa qaaradaha adduunka ee qadiimka ah, waana qaaradda labaad ee ugu wayn caalamka, iyadoo uu bedkeedu gaadhayo 30 malyuun oo km2.

Dawladaha Afrika oo ay tiradoodu gaadhayso 54 dawladood waxa u dhaxeeya faraq wayn oo xaga bedka ama waynida, tirada dadka iyo heerka dhaqaalahaba ah.

Dawladda Nayjeeriya ayaana ah dalka ugu dadka badan iyadoo ay tirada dadkeedu gaadhayaan 111.5 malyuun oo qof tira koobkii sanadkii 2000, halka ay qaaradda Afrika ku yaalaan ilaa 7 dawladood oo mid kasta aanay tirada dadkiisu ka badnayn hal malyuun oo qof, dalka Siishals ayaana ah dalka ugu dadka yar Afrika iyadoo tirada dadkiisu lagu qiyaaso 77 kun oo qof. Marka la isku wada daro dadka Afrika tiradoodu waxay gaadhaysaa 783.5 malyuun oo qof, tira koobkii 2000.

Marka la eego dhinaca qawmiydaha iyo luuqadaha tiradoodu Afrika aad bay u badantahay lamana soo koobi karo.

Dhinaca dhaqaalaha qaaradu aad bay uga dambaysaa caalamka, tusaale ahaan dalalka caalamka ee ugu faqiirsan adduunka waxa ay yihiin 34 dawladood kuwaasoo 24 ka mid ahi ay ku yaalaan Afrika, kuwaasoo lagu leeyahay dayn gaadhaysa 370 Malyuun oo Dolar. Tirada dadka Afrika ee ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha waxa lagu qiyaasaa 600 oo Malyuun oo qof kuwaasoo kala badh ka mid ahi ay dakhli ahaan maalintii u helaan wax ka yar hal Dollar.

Xagga wax soo saarka iyadoo Afrika ay ku noolyihiin 12.5% dadka caalamka haddana wax soo saarkeedu waa 3.7% marka la eego wax soo saarka adduunka.

Dad tiradoodu gaadhayso 13 Malyuun ayaana lagu qiyaasaa inay macaluul la il daran yihiin.

Marka la isku soo wada duubo waxa kale oo qaaradda dhibaatooyin aan la soo koobayn ku hayay muddo dheer dagaalo, cudurada faafa, abaaro, dhaqaalo xumo iyo darxumo wayn oo ragaadiyay dadka reer Afrika.

Sidaa darteed waxa isweydiin leh talaabada dhiiri galinta leh ee ay qaadeen madaxda Afrika ma noqon doontaa mid dhaqan gasha mase rumoobi doontaa riyada fuqarada Afrika?

Top


Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde

Qalinkii - Boobe Yuusuf Ducaale 
Q: 2aad

Maansadii Iyo Maansayahanimadii Timacade


Gabayga iyo gabayaaguba, meel aan la yaraysan karin ayay kaga jireen nolosha mujtamaca Soomaaliyeed, ilaa maantadaa aynu joogno na kaalinta ay bulshada ku leeyihiin waa mid muhiim ah, in kasta oo laga yaabo in aanay ahayn sidii ay beryihii hore la’aan jireen. Gabayga iyo gabayaaguba, bulshadii Soomaaliyeed ee raacatada ahayd waxay u ahaayeen is-gaadhsiin. Waxay u ahaayeen idaacad iyo wargeys. Gabayga iyo gabayaagu, iyaga ayaa nabadda iyo colaaddaba wax ka tari jiray. Wada-noolaanshaha iyo ka-la-fogaanshaha ayay sargoyn jireen. Mid wax isku jira iyo mid nabadeeyaba way lahaayeen. Intaa ka-sokow, gabayaa keliya, ayaa mararka qaarkood labada doorba ciyaari jiray oo mar na colaad curin jiray, mar na nabadda u adeegi jiray. 

Gabayaagii caanka ahaa ee Salaan Carabay, isagoo ka hadlayay gabaygu saamaynta uu ku leeyahay nolosha, wuxu yidhi: 

"Afku wuxuu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara e'," 
Sidaas ayaa loo dareensanaa awoodda gabayga iyo gabyaagaba, oo waxa loo aqoonsanaa hub laxaadkiisa aan la qiyaasi karin. 

Gabayga iyo gabayaaga ayaa mas'uul ka ahaa gudbinta dhacdooyinka iyo goobaha taariikheed. Faafinta iyo keydintaba iyagaa u xil saarnaa. Gabayga, ayaa ahaa waxa ugu mudan ee wax lagu cabbiro. Axdiyo ayaa gabayga lagu geli jiray, iyadoo qodobbada heshiiska maanso lagu tirinayo. Gabayga iyo gabayaaguba, hub ayay ahaayeen loo adeegsado wixii hadba la rabo.

Gabayga, gumeysigii ayaa lagu la dagaallamay. Waa la isku guubaabiyay, waa la isku waaniyay, waa lagu halgamay, yoolka iyo tubta loo marayo na waa la isugu sheegi jiray, ilaa maantadaa aynu joogno na, waa la isugu sheegaa. 

Lammaanka taariikhda iyo suugaanta Soomaaliyeed ku xeesha dheer ee Lewis iyo Andrzejewski, iyagoo gabayga Soomaaliyeed ka hadlaya, 1994kii waxay qoreen: 

"Gabaygu kaalin mudan ayuu kaga jiraa dhaqanka Soomaaliyeed, waa la wada daneeya, xirfa-ddiisu waa wax dadku wada jecel yahay isla markaa na ay karti iyo awoodba u leeyihiin. Dhaxalka suugaaneed ee dadka Soomaaliyeed waa xoog nool oo ku taxan dhalan-rogga joogtada ah ee nolosha dadka Soomaaliyeed ku socda. " 

Gabayga Soomaaliyeed waxa lagu tilmaamaa faallo ka hadasha dhacdooyinkii ugu danbeeyay, qalab loo adeegsado doodaha siyaasadeed iyo kuwa bulshaba, Keydiyaha maalmaha taariikheed iyo qaab lagu cabbiro dareenka kalgacal iyo caaddifadeedba. 

Dhaaxo, ayaynu gabay iyo gabayaa Soomaaliyeed oo qiime iyo qaddarinba mudan bogagga taariikhda ka dheehannay, maanta na tusmada iyo abbaartaa ah: ninkii sawdka aarkiyo lahaa summadihiisaba, waa Cabdillaahi Suldaan oo loo yaqaan Timacadde.

Maansada Cabdillaahi Suldaan oo ku caan-baxay Timacadde, shaki ku ma jiro in ay kaalin muuqata kaga jirto suugaanta Soomaaliyeed. Maansada Cabdillaahi Suldaan iyada oo wax badan la wadaagta guud ahaanba maansada Soomaaliyeed; hadda na waxa hubaal ah in ay leedahay baadi-soocdeeda u gaarka ah Cabdillaahi Suldaan, wuxu ka tegay maanso sowraceedu u badan yahay qabyaalad-diid iyo gumeysi-diid oo uu tiriyay xilli ka-la-guur ah oo ay suugaanta Soomaaliyeed baanaha qabyaaladeed ka digo-roganaysay u na gudbaysay hadaaqa qowmiyadeed ee dhismaha qaran lagu higsanayay. Maansada Timacadde, baadi-soocda kale ee ay gaarka u lahayd, waa luuqdiisii sida aadka ah loo jeclaa ee ilaa maantadaa aynu joogno aan laga xiiso-goyn.

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), mar uu qiimaynayay luuqdii Timacadde, wuxu yidhi: 
"Cabdillaahi Suldaan, shakhsiyaddiisii waxay ku gudo-jirtaa gabayadiisa iyo ereyadii,sa, gabayadisa iyo ereyadiisu na waxay ku dhex jiraan codkiisa; codka Cabdillaahi Suldaan na cid waliba way ku qasbanayd in ay u dheg-taagto; markaad u dheg-taagto na codku wuxuu kuu geyn jiray waxa uu leeyahay iyo midhaha. 

Cabdillaahi Suldaan, cod qudh ah ma ahayn. Hadduu cod qudh ah yahay la ma dhegeysteen. Codkiisu haddii aanu: ujeeddo wadan oo duluc wadan, waddaniyad wadan, mabda' wadan, midho wadan, dareen wadan, cidi na ma dhegeysateen. Codku wuxu xoojiyay midhihiisii iyo ujeeddadiisii. dadkii buu jeclaysiiyay wuxu leeyahay, ka dib na qalbi furan iyo dhego furan Bay ku dhegaysteen. Taasi, waxay keentay, in ay wuxuu leeyahay dhegaystaan, dhuuxaan, ka dib na ku dhaqmaan oo mowqifiyo melba iska taagaan." 

Timacadde, waxa u gaar ahaa marxaladdii ka-la-guurka ahayd ee ay maansadiisu u badnayd. Dagaalkii gobannimo-doonka, gobannimadii iyo gelbinteedii, hungowgii iyo quustii, maamul-xumadii iyo guubaabintii shacbiga ayay maansadiisu badnayd. 
Cabdillaahi Suldaan, waxa kale oo u gaar ahaa, codkiisii la yaabka lahaa ee aanay cidi na la wadaagin. Sannad-guuradan 30aad, waxaan ku maamuusayaa maqaalkan, kooban ee aan kaga hadlayo maansadii iyo aragtidii Timacadde. 

Haddaba si aynu mowduucan uga boganno, bal aan isku dayno in aynu dhex qaadno, maansadii Cabdillaahi Suldaan, si aynu u ogaanno halkii uu ka soo dhaqaaqay iyo halkii uu soo gaadhay intii uu noolaa; taasaa na sawir cad, oo dhab ah inaga siinaysa dhalan-rogga togan ee aragtidii iyo fekerkii Cabdillaahi Suldaan. 

Marka aynu eegno, xilligii uu Cabdillaahi Suldaan noolaa iyo maansadiisaba, waxa si cad inoogu soo baxaysa, in uu ahaa isku-xidhihii laba fac oo suugaanta 'Soomaaliyeed halbowle u ah. Cabdillaahi Suldaan, wuxu kaabad xidhiidhisa u yahay gabayaagii hare iyo gabayaaga maanta nool. Haddii aan soo xigto, Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), mar uu qiimaynayay Timacadde iyo 
maansadiisa, Wuxuu yidhi: "Cabdillaahi Suldaan, gabayaagii hare ee dhaqameed ma aha, da'dayada na ma aha, Labadaa dhexdooda ayuu ku jiraa." 

Waxa kale oo uu Timacadde ku soo dhex noolaaday goob-joog na u ahaa ka-la-guurkii ay suugaanta Soomaaliyeed kaga digo-roganaysay baanaha qabyaaladeed, ugu na gudbaysay yool-ka-dhigashada dareenka qowmiyadeed si loogu babac-dhigo gumeystayaashii, isla markaa na dhidibbada loogu taago qaran Soomaaliyeed. 

Maansada Cabdillaahi Suldaan, waxay u qaybsantaa, saddex xilli oo ka la ahaa: 
1, Bilowgii gabayga & Gobannimo-doonkii: 1936kii - 1960kii, 
2. Madax-bannaanidii siyaasadeed & foof-habowgii Maandeeq: 1960kii - 1969kii, 
3. Inqilaabkii Millateriga: 1969kii - 1971 kii, 

Marxaladdii koowaad: 
Cabdillaahi Suldaan, dadkii aqoonta u lahaa waxay qirayaan, in uu maansada curinteeda bilaabay sannadkii, 1936kii, isagoo markaa ku noolaa dalka Itoobiya, gaar ahaan na magaalada Adari (Harar). Beryahaa Timacadde wuxu ahaa 16 jir. 
Sida la rumeysan yahay, tixdiisii ugu horreysay, waxay ahayd afarrey uu u tiriyay gabadh qotiyad ahayd, oo uu qabay Ina-adeerkii Maxamed Dugsiiye oo markaa Adari deggenaa. Iyadoo uu Maxamed Dugsiiye gabadhaa qoonsday, Timacadde, wuxu yidhi: 

"Foox-doon haddaad tahay dukaan, furan ma weydeene, Is-na wuu ku filayaa intaad, fooggan tahay meele, 
Maxaa faras-magaalahan ku dhigay, fiidki laga hoyday."

Cabdillaahi Suldaan, dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalooyinka Adari iyo Dire- dhabe, wuxu ku noolaa 1936kii ilaa 1940kii. Waa sannadihii ugu horreeyay ee uu socod-baradka ku ahaa curinta maansada. Beryahaa wuxu tirin jiray, tixo gaagaaban oo hilow iyo boholyow u badnaa. Dhinac kale markaad ka eegto, maansada uu beryahaa curin jiray, wuxu isku barbar dhigi jiray noloshii degaannadii uu ka yimid iyo nolosha uu markaa ku noolaa. Waxa kale oo maansadiisii beryahaa xuddun u ahaa kalgacalkii uu u qabay hablihii Soomaaliyeed, isagoo isla markaa na u dardaarwerinayay hablihii qotida ahaa ee uu la noolaa. 

Cabdillaahi Suldaan, 1940kii ayuu u soo wareegay Jabuuti, oo uu deggenaa ilaa 1949kii. In kastoo uu Jabuuti deggenaa, hadda na waqtiyada qaarkood dalka wuu iman jiray. Maansadii Cabdillaahi Suldaan ee beryahaasi, waxay u badnayd kaftan iyo haasaawe. Inta badan wuxu maansadiisa ka marin jiray aroosyada iyo meelaha ay barbaartu ku haasawdo.

Mowduucyada kale ee maansada Timacadde, beryahaa xuddunta u noqday, 'waxa ka mid ah tixo uu ka tiriyay jabkii Talyaaniga ka qabsaday Itoobiya iyo dagaalkii dunida ee 2aad, oo saamayntiisa ku yeeshay dadka iyo degaannada Soomaaliyeedba.

Haddii aynu tusaale ka soo qaadanno, waxa jirtay isagoo Jabuuti jooga, in ay saaxiibbadii oo uu Daahir Cabdillaahi ka mid ahaa, ka wareysteen jabkii Talyaaniga. Cabdillaahi Suldaan, isagoo dhacdooyinka qaarkood goob-joog u ahaa, maa daama uu waqti aan badnayn ciidammadaa Talyaaniga ku jiray, saaxiibbadii, wuxu ugu jawaabay: 

"Idinku jaadka uun baad hablaha, jeer u fidisaane, Alleylkii na waxad jiifsataan, jiidhka waaberiye, 
Korneylkii jaleelada hadh galay, Janannadii yaacay, Meydkii Jubeerrada xidhnaa, maydinkaa joogay", 

Mar kale, isagoo ka maansoonayay gelistii Baarliin, Timacadde waa kii lahaa: 
"Wallee caw 1 fallaadh uriyay baan, cagaha laalaadin, 
Wallee culimo Sheekheed wataan, Gada la siin waayin, Wallee aniga oo gabay curshaan, layga caban waayin," Wallee meela cadaan lagu jaraan, 'Eydh' ka ciyi waayin, Cisi iyo wanaag baan Wallee, Muuse ku cashaynin, Wallee colalka Baarliin galaan, calanka loo diidin." 

Ilaa dhowr iyo kontonkii qarnigii hore, Timacadde maansadiisu waxay u badnayd kaftan, haasaawe iyo maaweelin. Laakiin, taa macnaheedu ma aha in aanu ka hadli jirin mowduucyo kale. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa tixda Mudmud oo ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee uu dadka ku baraarujinayay. Sidaan Daahir Cabdillaahi ka qoray, tixdaa 1946kii ayuu ka tiriyay meeshii la odhan jiray "Daar- al-akhbaar" oo immika la yidhaa "Balaas Raamboo" oo Jabuuti ku taal. 

Waxaan aan badnayn, haddii aynu tixdaa ka soo qaadano, waa kii lahaa: 
"Makri ma laha Soomaalidii, Maxamed Keydoowe, Maskab ku ma qabtaan daarahaad, milicsanaysaane, Miskiinkiinna waa lag a baxshaa, qaar masjiiddada e',
Maatida waxa lagu guraa, moodhi-kaarrada e' 
Miidaannadaa laga qabtaa, kii maraayaba e', .. Malgaash kol ay ku tahay uunka kale, waa midkaa qudha e', 

Beryahaas ayuu Timacadde ku soo dhalanayay dareenka siyaasadeed, sida ka muuqata tixdan. 

Dhowr iyo kontonkii qarnigii hore, ayaa Timacadde, halgankiisa siyaasadeed sii xoogaysanayaa, isagoo xubin ka noqday xisbigii SNL ee gobannimada horseedka u ahaa. Maansooyinkii Cabdillaahi Suldaan ee xilligaa ku beegnaa, waxa ugu mudnaa saddexda tixood ee ka la ah: Madax geel ah, Murugo iyo Qabyo. Labada tixood ee hore ee Miimleyda ahi, siduu Timacaddeba sheegay, waa sarbeeb oo waxay ku beegnaayeen beryihii runta la qarsan jiray, ee Ingiriisku aad ugu dhego-taagi jiray hadallada ka soo yeedhaya xisbiyada. Haddii aynu -tusaale u soo qaadanno tixda Murugo, markuu soo bandhigo muuqaalo badan oo naxdin iyo tiiraanyoba leh, wuxu ku soo xidhayaa: 

"Naftu inay macaan tahay anaa, kuu markhaatiyahe, 
Mar se haddaanay meel iyo lahayn, mowdac lagu aaso, Iyada oo maqnaataa sidaa, igala muuq roone, 
Hadduu muruqa bowdadu ku go'o, waad makalantaaye, Ninkii midigta laga taabayow, bidixdu waa maafe, 
Markeba daarka waxa loogu tolay, meel ha joogsado e', Waxa maraqa loo seesayaa, Maahir yay jiqine, 
Miraalaha hortii baa guryaha, la iska moosaaye, Mareegtaaba loo sii guntaa, maqasha nayloode, 
Ayaan hadalka muurmuurrinine, waxan ku meydhaamay, Macnihiyo ujeeddada ninkii, maaxiyaa garanne," 

Haddii aynu soo qaadano, tixda Qabyo, Cabdillaahi Suldaan, wuxu dadka ku baraarujinayaa midnimo iyo wax-wada-qabsi, isagoo isla markaa na hoga- tusaalaynaya waxyeellada ay qabyaaladda iyo ka-la-qaybsanaantu leeyihiin. Tixdaa Qabyo, waxa xuddun u ah: 

"Ingiriiskan laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyay, 
Isaguba mar buu qaadan jiray, qaanso iyo leebe, 
Qarfo iyo mar buu seexan jiray, qalanqal hoosteede, Hayeeshee quluub wada jirtaa, qaniya Sheekhoowe, Qalalaase meellagu lumiyo, qaylo iyo oohin, 
Qorraxdii dhacdaba teennu way ka la qaxaysaaye," 

Marxaladdan koowaad, waxa kale oo soo gelaya maansadii Timacadde ee ku beegnayd xifaalihii iyo kaftan dhex mari jiray xisbiyada siyaasadeed, gaar ahaan na SNL iyo NUF.

La Soco...

Top


Tacsi

Ilma X. Daahir Cawaale, Ilma Maxamed C/Laahi, Ilma Maxamuud Yuusuf, Ilma Khayre Cali Gayr, Dhamaan Reer X. Yaasiin Siciid, Xariir Sh. Cismaan Nuur, Cismaan Siciid Cilmi, Caaqil-Cali Yaasin Maxamed

Cabdale Maxamed Cali, Aadan X. Diiriye Dirir, Barkhad X. Cismaan Cismaan C/Laahi, Xirsi Jaamac Xasan, C/Salaan Xariir Sh. Cismaan, C/Raxmaan X. Daahir Cawaale, C/Khaalaq C/Laahi Maxamed, Haykal Maxamuud Raage, Muxyadiin Maxamed Xuseen Xasan Muuse Burco, Cali-Mahad Yuusuf Saleebaan Dhamaan Dadkaasi Waxay Tacsi U Dirayaan Marxuumad Aamina Ciige Cali Oo Ku Geeriyootay Magaalada Jabuuti Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo Ehelkii Iyo Qaraabadii Uu Ka Geeriyootayna Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo Aamiin.

Top


Baafin Dacwaysane

Maxkamada degmada Berbera waxay u yeedhaysaa dacwaysanaha magaciisu yahay cabdi maxamed xasan in uu maxkamadda horteeda ku yimaado muddo hal bil ah (30 maalmood gudahood ah, oo ka bilaabanta taariikhda la baahiyo, haddii uu ku iman waayo waxay maxkamaddu qaadaysaa talaabada ku haboon

Siciid Maxamuud nuur 

Kaaliyaha maxkamadda degmada Berbera 

Top


Hambalyo Maayarka cusub ee Hargeysa

Anagoo ah xafiiska ururka basaska ama masuuliyiinta ururka waxaanu hambalyo u diraynaa maayarka cusub ee ka soo dhex baxay golaha deegaanka Hargeysa kaasoo cod aqlabiyad ah lagu doortay waana Eng: Xuseen Axmed Jiciir, waxaananu ku bogaadinaynaa xilka cusub ee loo doortay anagoo Ilaahay uga baryayna inuu ku garab galo xilka u qaaday, waxaananu u rajaynaynaa inuu noqdo kii horumar gaadhsiiya caasimada Hargeysa 

Maxamuud Ismaaciil Maxamed gudoomiyaha ururka basaska Hargeysa 

Top