Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 266 February 11, 2003

Ciid Mubaarak

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland C/raxmaan Axmed Cali Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

IFTIINKA ISLAAMKA

Siyaasiga Cabdi Xasan Buuni Oo Sheegay Inuu Isu Soo Sharaxayo Jagada Madaxweyne K/Xigeenka

Xubin Ka Tirsan G/Deegaanka Boorama Oo Ku Eedeeyay Maamulka Awdal Faragelin

Ilmo Yar Oo Isagoo Meyd Ah Laga Helay Magaalada Berbera

Malaayiin Muslimiin Ah Oo Bilaabay Gudashada Waajibaadka Xajka Ee Sannadkan

Gaashaan-Buurta NATO Oo Ku Kala Jabtay Weerar Lagu Qaado Dalka Ciraaq

Axmed Sandoon Oo Hambalyeeyay Maayarka Cusub Ee Caasimadda Hargeysa

Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde

ODHAAHDA AKHRISTAHA

"Nin Ambaday Halkuu Aaday Way Ula Ekoonaatay"

Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna

Maamulka Golaha Deegaanka

Yay U Habranayaan Maamulka Degmada Gabilay Inay Sameeyaan Town Plan-ka Tog-Wajaale

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

RAADYOW MA QALOOCSHE

Hambalyo Aroos

Hambalyo

Waadiga Ciyaaraha


Ciid Mubaarak

Waxa saaka caalamka islaamka laga tukanayaa salaadda ciidda Carafo ee sannadkasta la tukado 10 bisha Dul-xija, iyadoo ay dadka muslinmiinta ah ee waajibka xajka gudanayaa ay maalintii shalay taagnaayeen buurta Carafa oo ah rukniga ugu muhimsan ee xajka, sidaa darteed dadweynaha reer Somaliland iyo guud ahaan dadyowga Somalida ee ku dhaqan degaamada bariga Afrika waxay saaka dadyowga muslimiinta adduunka la tukanayaan salaadda ciidda Carafo. Sidaa darteed farxaddan munaasibaddan awgeed bahda Haatuf waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dadka reer Somaliland iyo guud ahaan dadyowga muslimiinta ah meel ay joogaan-ba, waxayna leeyihiin "Ciid mubaarik," isla markaana waxaanu llaahay inooga rajaynaynaa inuu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo bash iyo barwaaqo.

Top


BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Sakaaro Xaar Muuqday Aastaa

Waxa shalay magaalada Hargeysa lagu soo gebagebeeyey kulan (workshop) uu abaabulay wasiirka warfaafinta dawladda Somaliland, C/laahi Maxamed Ducaale, laguna tilmaamay inuu yahay shir xeer loogu samaynayo saxaafadda, wuxuuna kulankaasi socday muddo saddex maalmood ah, laakiin kulankaasi waxa uu ahaa mid aan loo dhamayn oo ay hindisihiisa, abaabulkiisa iyo darawalintiisaba ay iska lahaayeen wasiirka warfaafinta iyo kooxo uu soo abaabulay, isla markaana dhawaaqa xukuumadda ee ah saxaafadda waxaanu u samaynaynaa xeer waxa ka dhashay su’aalo dood abuuray, taas oo ay dad badan oo bah-weynta saxaafadda ka mid ahi ka digeen hulaab-xumada kulankaa iyo in xeer-ciqaabeedka uu wasiirka warfaafinta xukuumadda Somaliland la gaadayo madax banaanida saxaafadda xorta ah. 

Sidaa darteedna waxa bayaan ay ku cadaynayaan inaanay kulankaa qayb ka ahayn, isla markaana aanay khusayn waxa lagaga hadlayo iyo waxa ka soo baxaa toona soo saaray ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxa banaan (SSJW) oo ah urur-saxaafadeed madax banaan oo ay ku bahoobeen inka badan 30 suxufi. Sidoo kale gudoomiyaha shirkadda Haatuf Media Network ee soo saarta wargeysyada Haatuf (Af-Somali), Al-Haatuf (Af-Carabi) iyo Somaliland Times (Af-Ingiriisi) ayaa soo saaray qoraal uu ku cadaynayo inaanay Haatuf haba yaraatee qayb ka ahayn kulankaa. Hase yeeshee qaar ka mid ah kooxdii kulankaa darawalinaysay ayaa dhibsaday qoraaladaa xaqiiqda ku qotoma ee ay dhinacyadaasi soo saareen, ka dibna waxay ka bixiyeen jawaabo aflagaado xambaarsan oo ay ku baahiyeen telefishinka Hargeysa.

C/laahi Aadan Cumar (Al-xoriya), Faysal Cali (Jamhuuriya) iyo Faysal Fadhfadhle (TV-ga) oo saddexdooduba ka mid ah kooxda kulankaa darawalinaysay ayaa inta ay kamarad meel cidla ah ula baxeen kor u sawaxmay, kuna tiraabay weedho aflagaado xambaarsan oo ay ku weerarayaan suxufiyiintii mawqifkooda ka dhiibtay qorshihii iyo ujeedadii hulaabta la saaray ee uu shirkaasi huwanaa, waxayna hadaladaa ka baahiyeen TV-ga Hargeysa habeenimadii Isniintu soo gelaysay ee habeen hore, iyadoo uu barnaamijka sheekadaa lagu baahiyey barnaamijka loogu yeedho "Hal-adayg . Laakiin xanjiinta saarnayd hadalada saddexdaa oday uma qaadanayno mid ay la qabaan dad badan oo suxufiyiin ah oo kulankaa ka qayb galay oo aanu filayno inay ka dhawrsoon yihiin weedhaha qaarkood. Hase yeeshee anaga oo tixraacayna tiraabtii ay wiilashaasi ku baahiyeen telefishinka Hargeysa ayaanu jecelahay inaanu qormadan ku iftiimino dhawr arimood, isla markaana jawaab kooban ka bixino doodda dhinaca ah ee ay saddexdaa weriye baahiyeen.
Su’aasha ugu horaysa ee aynu iswaydiinaynaa waxay tahay "Maxay ahayd ujeedada suxufiyiintii soo saaray bayaankii ay kaga digayeen kulankii Ming-sing". 

Laakiin ugu yaraan saddex ujeeddo oo muhim ah ayuu xanbaarsanaa, waxayna ta hore ahayd fariin ku baaqaysa inaan kulankaa loo dhamayn ee uu yahay dhinac iyo ta labaad oo ahayd digniin farta ku fiiqaysa in laga digtoonaado xeer-ciqaabeedka ay xukuumaddu la soo gur-guuranayso iyo ta saddexaad oo ahayd yaan lagu maxaafsan magacab guud ee saxaafadda Somaliland oo aan la odhan waa loo dhan yahay," iyadoo aanay xaqiiqdu sidaa ahayn. Sidaa awgeed saaxiibada TV-ga k hadlay waxaanu odhan lahayn qalad ha fahmina oo ha u qaadanina in la idinku haysto ururka aad sheegteen inaad samaysanaysaan ama samaysateen, laakiin ragga hadlay wax aad been ka sheegteen ayey xaqiiqdeeda cadaynayeen. 

Marka la isu geeyo bayaanka suxufiyiinta ururka SSJW iyo wararka ay kulankaa ka qoreen warbaahinta qaarkeed waxyaalaha ay xuseen waxa ka mid ahaa inuu kulankaasi yahay mid ay xukuumaddu soo abaabushay, taasna waxa daliil ah waxyaabo badan. "Way naga go’an tahay inaanu saxaafadda xeer u samayno, waxaanuna u saaray guddi isku soo dubba ridaya" sidaa waxa galab-galbaha ka mid ah idaacadda BBC-da kaga tiraabay wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale. Sidoo kale eeg cadadkii Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay Febarweri 7, 2003, boggiisa hore warka wasiirka warfaafinta ee cinwaankiisu yahay "Xukuumadda oo cadaysay inay ka go’an tahay helitaanka xeer saxaafadda lagu maamulo’, warkaasina waxa uu soo baxay maalin ka hor furitaankii kulankii Ming-Sing. 

Sidoo kale dib u xusuuso hadalkii uu Madaxweyne-kuxigeenku ka jeediyey kulankaa laftiisa ee uu yidhi "Dib-u eegis halagu sameeyo xeerka saxaafadda ee horyaal golaha wakiilada", xeerka uu Madaxweyne-kuxigeenku sheegayaana waa xeer ay xukuumaddu soo diyaarisay. Laakiin marka waxaas oo dhan laga yimaado inay xukuumaddu abaabulaysay waxa markhaati ugu filan, wareegtada uu wasiirka warfaafintu soo saaray 30-kii bishii Jananweri ee ina dhaaftay, wareegtadaas oo uu wasiirku guddiga ay ka mid yihiin Wayab, Faysal Fadhfadhle iyo Faysal Cali ku farayo inay isugu yimaadaan hoolka shirarka ee wasaaradda warfaafinta, isla uu ogaysiinayo agaasimihiisa guud, wasiir-kuxigeenkiisa, Madaxweynaha iyo gudoomiyaha golaha wakiilada waxay u qornayd sidan: 

"KU: Guddiga dib-u eegista xeerka saxaafadda. 

Ka: wasiirka warfaafinta. Ujeedo shir 

Tix-raac qoraalka sumadiisu tahay WWW/XW-01/1833/02 ee Sabtembar 25, 2003 ee ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta, ujeedadiisuna ahayd xeerka saxaafadda. Sidaa darteed waxaan idinla socod siinayaa in maalinta khamiista ee bisha Febarweri tahay 6, 2003 la isugu yimaado qolka shirarka ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta si loo fallan-qeeyo, dibna loogu eego mashruuca sharci ee xeerka saxaafadda 10:00 subaxnimo". Sidaa awgeed waxaanu filaynaa inaanay wareegtadaa iyo weedhaha ay xambaarsan tahay tafsiir u baahnayn.
Waxa kale oo iyaduna marag-fur wanaagsan ah dagaalka aan xaqiiq tirashada lahayn ee uu wasiirka warfaafintu ku jiro hadh iyo habeen.

Waxa kale oo iyaduna tusaale fiican noqon karaysa, xubnaha kulankaa loogu magacaabay inay madax u yihiin kooxaha kulanka qabsaday waxa gudoomiye-kuxigeen ka ah, agaasimaha idaacadda Raadyow Hargeysa.

Saddexda weriye ee TV-ga Hargeysa ka hadlay waxay ku af-gobaadsadeen ama kulankaba la soo hordhigay qoraalo ka hadlaya anshaxa saxaafadda (Code of conduct), laakiin waxaan marna meesha la keenin xeerkii ay wasaaradda warfaafintu soo diyaarisay, isla markaana ay dib-u eegista ku samaynayeen guddiga suxufiyiinta ah ee wasiirka la shaqaynayey, sidaa darteed waxa la aaminsan yahay in xeerkaa guntiga lagu hayo, hadhowna marka suxufiyiinta yimi ay iska kala tagaan lala soo baxayo.

Intaa ka dib waxa iyaguna in tiraab laga celiyo mudan dhaliilihii uu barnaamijka Hal-adayg ee habeen hore TV-ga ka baxay xanbaarsanaa iyo weliba weedhihii caydu ka dhadhamaysay ee ka soo yeedhay rag weliba lagu tiriyo odayaasha saxaafadda. Laakiin dhaliisha ugu weyn ee uu barnaamijkaasi xanbaarsanaa waxay ahayd dheelitir la’aantii (unbalance) ka muuqatay, waayo saaxiibka barnaamijka daadihinayey Faysal Fadhfadhle waxa uu barnaamijkiisu ahaa mid cid lagu weerarayo, laakiin waxa uu iska indho tiray inuu isaga oo dhawraya xeer-qoraalka saxaafadda uu makrafoonka ku duwo cidda ay saaxiibadii weerarayaan oo ay qaarkood taagnaayeen hareertiisa, sidaa darteed Faysal ha isku xukumo xeerka uu sheegay inuu sameeyey. 

Sidoo kale marka la eego sida uu barnaamijka u daadihinayey weriye Faysal Fadhfadhle lama odhan karo waxa uu ahaa nin wax waraysanaya ee waxay sheekadiisu ka dhignayd "Saaxiibayaal soo fadhiista aynu wax caynee." Sidoo kale weedhaha uu Wayab TV-ga kaga tiraabay waxa ka mid ahaa "Nin aan doonayn anshaxii iyo akhlaaqdii saxaafaddu lahayd ayaa diidaya in saxaafadda xeer loo sameeyo", Laakiin su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay C/laahi Wayab marka uu ka hadlayo akhlaaq iyo anshax saxaafadeed miyuu ilaaway maqaaladihiisii tirada belay ee naanaysta reebay muxuu ugu dabakhi waayey anshaxa iyo akhlaaqda saxaafadda ee uu hadda ku dhadhabayo. 

Waxa kale oo iyana been qaawan ah marka ay leeyihiin cidda aan kulankayaga ka soo qayb gelin waanu casuunay, balse way diideen, laakiin iyaga ayaa sheegi meesha iyo goorta ay casuumadda keeneen. Hase yeeshee ugu dambayn qorshe-xumada iyo madax banaani la’aanta kulankii Mixg-sing waxa markhaati ugu filan inay guddigii soo qabanqaabiyey, hadana shirgudoon noqdaan, hadana isla iyagii madax isu doortaan, iyadoo dhinaca kalena kulankaa lagu magacaabay 17 xubnood oo guddi fulineed loogu yeedhay, waar fara badanaa.

Top


Madaxweynihii Hore Ee Somaliland C/raxmaan Axmed Cali Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Siyaasad Iyo Dan Kale Midkee Buu U Socdaa?

Hargeysa (Haatuf): C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan-Tuur) oo ah madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland ayaa shalay yimi magaalada Hargeysa, isaga oo ka soo kicitimay dalka Britian oo uu muddo ku sugnaa.

C/rxamaan Axmed Cali waxa uu ka soo degay madaarka Hargeysa, halkaasna oo ay ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Somaliland, waxaana ka mid ahaa wasiirada madaarka ku soo dhoweeyey wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale, wasiirka duulista hawada, Maxamed Cabdi-dheere, wasiirka Wershadaha, Axmed Jaamac Bootaan iyo qaar kale.

C/raxmaan wax war ah kama bixin ujeedada imaatinkiisa, laakiin war laga sii daayey idaacadda Raadyow Hargeysa ayaa sheegay inay weheliso marwadiisa oo ay walaalo ahaayeen alla ha u naxariistee marxuum: Cismaan Ibraahin Basbaas oo toddobaadkii hore dabayaaqadiisii Hargeysa ku geeriyooday, waxayna idaacaddu intaa ku dartay inay dad qaraabada C/raxmaan ah ka soo xigteen inay C/raxmaan iyo marwadiisu u yimaadeen ka qaybgaalka tacsida marxuumkaa.

Hase yeeshee dhinaca kalena waxa jiray warar indhowaale soo baxayey oo sheegaya inuu C/raxmaan Axmed Cali dalka dib ugu soo noqonayo, taas oo la sheegay inaanu dib u laabanayn oo dalka si rasmi ah u degayo, iyadoo ay wararka qaar tibaaxeen inay C/raxmaan ka soo yeedhay inuu siyaasadda ka fadhiistay, sidaa darteed aanu dalka u imanayn wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah, balse uu doonayo inuu inta cimrigiisa ka hadhay ku negaado dalkiisa hooyo, waxaase jiray su’aalo la iska waydiiyey ujeedada imaatinka C/raxmaan Axmed Cali, taas oo ay dadka qaar leeyihiin "inkasta oo laga yaabo inaanu odaygu hawl culus oo siyaasadeed qaban, hadana ma dareen la’, waxayna wararka caynkaa tibaaxay qaarkood yidhaahdeen "waxa laga soo sheegay inuu la taliye u noqon doono hogaanka dalka", laakiin waxyaalaha dareenka ay dadka qaar ka qabaan imaatinka C/raxmaan xoojiyey waxa ka mid ah dhaqdhaqaaqa xukuumadda Somaliland oo u muuqda mid u rixinaya imaatinka C/raxmaan Axmed Cali, balse lama garanayo danta ugu jirta.

Weriyayaal Haatuf ka tirsan xalay fiidkii booqday guriga uu ku soo degay oo ah qaybaha martida ee hudheelka Ambassador, uma suurta gelin inay la kulmaan, isaga oo xiligaa ka maqnaa guriga uu ku soo degay.

C/raxmaan Axmed Cali oo ahaa madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland, ka dib markii shir-beeleedkii Burco ee bishii May 19991-kii lagaga dhawaaqay inay Somaliland tahay dal madax banaan oo ka go’aya dhulweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, laakiin C/raxmaan shirweynihii Boorame ee sannadkii 1992-kii ayuu talada ka degay, waxaana xilka kala wareegay madaxweynihii shirkaa lagu doortay marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, wuxuuse C/raxmaan muddo yar ka dib markii uu xilka wareejiyey ku dhawaaqay inuu ka noqday mawqifkii madax banaanid Somaliland, uuna aaminsan yahay inay hab fedaraal ah ugu biirto Somaliya, isla markaana muddo waxa uu Madaxweyne-kuxigeen ka noqday dawladdii Muqdisho laga dhisay sannadkii 1995-kii ee uu Madaxweynaha ka noqday janaraalkii geeriyooday ee marxuum Maxamed Faarax Caydiid, laakiin waxay dadka qaar aaminsan yihiin inuu C/raxmaan hadda ka quus gaaban yahay aragtidiisii ahayd inay Somaliland iyo Somaliya dib ugu midoobaan hanaan fedaraal ah, ka dib markii ay labada dhinac qolona dheg u jalaqsiin wayday.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Ciidaha Iyo Salaadooda 

"IIDAHA" IYO SALAADDOODA
Ciiduhu waa kuwo fac wayn, oo waxaa umad kastaa lahaan jirtay ciido ay iidaan, munaasabad kasta oo waynna waxay ka dhigan jireen iid ay iidaan, faraxadna ay muujiyaan, ka dib markii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay iidihii hore, isagoo ku bedelay iido ka khayr badan, waxaana ku sugan xadiis saxiix ah oo uu wariyey Abuu Daawuud in Rasuulka SCW uu magaalada Madiina yimid, iyadoo reer Madiina ay leeyihiin laba maalmood oo ay ciyaaraan, markaas ayuu Rasuulka SCW waydiiyey waxay ay yihiin labadaas maalmood, markaasayna ku yidhaahdeen: waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan ciyaari jirnay, markaas ayuu ku yidhi: "Ilaahay wuxuu idinkugu bedelay labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maalinta Ciidul-Fitriga iyo maalinta Ciidul-Adxada, labadaa iidood Ilaahay ayaa ummadda Nabi Muxammed SCW siiyey.

Waxayna labadaas iidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaahay uu jideeyey, sidaa awgeed waxaa banaan ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiinba, haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareecadu ayna ogolayn, sida cawrada oo la banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caayayn, wax xunna aan lagu faafinayn, laguna faaninayn sida khamro iwm, muustikana aan la raacsiinayn.

Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xusay xadiis saxiis ah oo ay wariyeen culummo ay ka mid yihiin Bukhaari iyo Muslim in: "Maalin iid ah iyadoo ay ku ciyaarayaan masjidka Rasuulka SCW niman Xabashi ahi uu Rasuulku SCW Caa'isha (a.k.n) u yeedhay, dabadeedna ay eegtay ciyaartoodii ilaa ay ka bogatay, iyadoo weliba ciyaarta ka fiirsanaysey oo taagnayd Rasuulka SCW dhabarkiisa, iyadoo dhabankeedu uu saarnaa dhabankiisa, wuxuuna Rasuulku SCW maalintaa yidhi: "Ha ogaato Yahuuddu in diinteeennu ay leedahay fasax iyo waqti damaashaad iyo tamashlayn." 

Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: "Caa'isho ay tidhi: maalin iid ah ayaa iyadoo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa waxaa ii soo galay Rasuulka SCW, dabadeedna ku seexday firaashka, wuxuuna huwday maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wuxuuna canaantay labadii gabdhood isagoo diiddan waxa ay Rasuulka SCW ku ag samaynayaan, markaas ayuu Rasuulku SCW maradii iska fayday, kuna yidhi Abuu Bakar: "iska daa, qolo waliba waxay leedahay iid, tanina waa iiddeeniiye", laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo rayn-raynta sida cuntada, cabitaanka iyo ciyaaruhuba ayna xadkooda dhaafin, Ilaahay ka cabsashaddiisana aan la halmaamin.

"IIDA" XUkUNKEEDA IYO MEESHA LAGU TUKANAYO
Waxay culummada Islaamka isku khilaafeen xukunka ay iidda tukashadeedu sharciga ku leedahay, markaa ayaa qaarkood waxay yidhaahdeen waa sunne, qaar kalena waxay yidhaahdeen waa waajib, iyadoo rag iyo dumarba ay isku mid yihiin, sidan dambe ayaana xoog badan, waxaana u daliila ah in Rasuulka SCW uu amar ku bixiyey inay iidda yimaadiin rag iyo dumarba, xataa gabdhaha aan la guursan gurigana aan ka soo bixin iyo kuwa dhiigga caadada qaba, markii sidaas la is amray ayaa haweeneey asaxaabta ka mid ahi Rasuulka SCW waydiisay sida ay samaynayso haweentii aan haysan jilbaab ay ku timaado meesha lagu tukanaayo, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yidhi: "walaasheeda muslimada ahi ha soo siiso jilbaab. 

Dumarka kuwooda caadada qabaa iyagu wax ka tukan mayaan salaada, laakiin waxay joogayaan meel u dhow meesha lagu tukanayo, dadkaa muslimiinta ah ayey la takbiirsanayaan (Allaahu akbar ayey wax ka leeyihiin), wayna la ducaysanayaan, barakada iyo khayrka maalintaa jira iyagoo rajaynaya, Rasuulkuna SCW weligiis kama kamuu tagin salaaddan.

Iidda waxaa lagu tukan jiray waagii Rasuulka SCW meel bannaan, beledkana ka baxsan, oo loogu talagalay iidaha iwm in lagu tukado, iyadoo salaadda lagu tukado masjidka Rasuulka SCW ay u dhiganto kun salaadood oo meel kale lagu tukado (marka laga reebo Masjidul-Xaraam), ayaa haddana uuna Rasuulku SCW ku tukan masjidkiisa salaad iid ah, hal marna Allaha ka dhigee, sidaa awgeed ayaa waxaa sunne ah in lagu tukado meel bannaan oo dadka la iskugu keeno, haddii duruuf dadka u diidaa ayna jirin, isku imaatinkaas wayn oo loo dhan yahayna xigmado badan ayaa ku jira, oo ay ka mid yihiin muslimiinta oo calaamadaha diinta Islaamka lagu garto mid ka mid ah muujinaya, sidoo kalena muujinaya walaalnimada muslimiinta, midnimadooda, iyagoo isbaranaya, iskaalmaynaya, isla markaana kalimada (diinta) Alle sare u qaadaya.

WAXYAABAHA SUNNAHA AH MAALINTA "IIDA"
Maalinta iidda waxaa sunno ah in lala yimaado waxyaabahan soo socdo:

  1. in dhar wanaagsan la soo xidho marka salaadda iidda laga soo qayb galayo, Rasuulkuna SCW maalmaha iidaha wuxuu soo xidhan jiray dharkiisa kuwa ugu qurxoon, in maalintaas la is qurxiyaana waxay ahayd caado wanaagsan, Rasuulkana SCW ka sugnaatay, sidan soo xusnayba. Waxaa sidoo kale sunno ah in la isa soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha udgoon.

  2. In iidda loo soo maydho, arrintani Rasuulka SCW kama ay sugnaan, laakiin asaxaabta ayey ka sugnaatay.

  3. In marka laga soo noqonayo salaadda iidda lugu soo noqdo waddo aan ahayn middii marki hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkuba SCW samayn jiray maalmaha iidaha.

  4. Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay midda Iidul-Fitriga waxaa sunno ah in wax la soo cuno inta aan la soo aadin, gaar ahaan timir tiro is-dheer (kisi) ah. Haddii ay Iidul-Adxaa tahayna waxaa sunno ah in la soo aado iyadoo aan waxba la soo cunin.

  5. In marka maalinta iidda la kulmaba la isku tahniyadeeyo, iyadoo la leeyahay: "Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo", sidaasina waa sida asaxaabtii Rasuulku SCW ay isugu tahniyadayn jireen markii ay kulmaan maalin iid ah. 

HABKA TAKBIIRTA
Habka loo takbiirsanayo oo asaxaabtii qaarkood ka sugnaaday waa sidan soo socota:
"Allaahu akbar allaahu akbar, laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, allaahu akbar walillaahil xamdu", ama "Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, walillaahilxamdu, Allaahu akbar, wa ajjallu, Allaahu akbar calaa maa hadaanaa", laakiin qaybta hore ayaa caansan ahna midda saxa ah.

SALAADA IIDDA HABKEEDA & WAQTIGA LA TUKANAYO
Waxaa salaadda iidda la tukanayaa inta u dhexaysa marka qorraxdu soo baxdo oo ay kor u soo kacdo, ayna soo gaadho ilaa saddex mitir oo kale, iyo marka qorraxdu cirka badh-tankiisa dhaafto. Iidul-Adxada tukashadeeda waa la soo dedejinayaa, si dadku ay udxiyada qaliddeeda fursad ugu helaan. Iidul-Fitrigana xoogaa ayaa dib loo dhigayaa, si dadku ay u helaan waqti ay ku bixiyaan Fitrada, waxaana labada iidood salaaddooda loo tukanayaa sidan soo socota:

Salaadda ayaa la xidhanayaa, iyadoo aan laga horaysiinayn adimid iyo aqiimid toona, marka la xidho dabadeedna todobo (7) goor (oo aanay ku jirin takbiirta salaadda lagu xidhanayo) ayaa la takbiirsanayaa (Allaahu akbar la leeyahay), marka rakcada labaad laga salaama naqsado ka dibna waxaa sunne ah in la khudbadeeyo, iyadoo dadka lagu boorrinayo inay Alle ka cabsadaan, lana amrayo wax kasta oo wanaag aakhiro ama mid adduunyo ku jiro, loona sharaxayo arrimaha iidda la xidhiidha, haddii laga jaahil yahay. Khudbadana waxaa lagu billaabayaa Alle ku xamdigiisa "Alxamdu lillaah".

QOFKII SALAADDA "IIDU" AY DHAAFTO
Qofkii ay dhaafto inuu iidda jamaca la tukado wuxuu kalidii (ama dadka la midka ah) iska tukanayaan laba rakcadood oo salaaddii iidda ah, habka tukashadana waa soo xusnay.

UDXIYADA IYO XUKUNKEEDA
Udxiyadu waa neef la gawraco barqada maalinta "Iidul-Adxada" (iidda wayn), iyadoo Allaah loogu dhowaanayo, waana sunne adag oo ayna haboonayn in laga tago, waxaana udxiyada laga rabaa qoys kasta oo muslim ah, awood dhaqaalena u leh inay gawracaan, qofkii aan reer lahayn sida ruuxa doobka ah ama reerkiisii uu ka maqan yahay, awoodna u leh inuu la yimaado, waxaa sunno ah inuu la yimaado, Rasuulku SCW isagoo dadka ku boorrinaya sunnadaas, diidanna in la fududaysto ayuu ciqaab wuxuu ku soo rogay dadka sunnadaa ka taga, wuxuu yidhi: "Qofkii heli kara dhaqaale uu ku udxiyaysto oo aan doonayn inuu udxiyaystaa yuunu naga iman oo aanu ka soo xaadirin meesha aanu ku tukanayno "Iida". 

Laakiin ruuxii aan heli karin udxiyada wax dambi ah gali mayo, waxaana soo gaadhaya ajarka udxiyadii uu Rasuulku SCW ummaddiisa ka bixiyey, iyo midda ay muslimiintu qalayaan fadligeeda. Rasuulka SCW inta neefkii uu ku udxiyaysanayey loo keenay salaadda dabadeed ayuu markii uu gawracaye wuxuu yidhi: "Bismillaah, wallaahu akbar, udxiyadan aniga ayaa iska bixiyey, iyo qofkii aan udxiyaysan (aan awood u lahayn( oo ummaddayda ka mid ah". 

WAQTIGA UDXIYADA LA GAWRACAYO
Udxiyada waxaa la gawracayaa laga billaabo marka laga baxo salaadda iidda (iidda wayn), waxayna soconaysaa ilaa iyo saddex maalmood oo maalinta iidda ka dambaysa, marka saddexdaa maalmood oo maalinta iidda ka dambaysa, marka saddexdaa maalmood midda ugu dambaysa qorraxdeedu dhacdana waqtigeedii wuu dhamaanayaa, sidaa awgeed maalintii qofku uu rabo oo maalinta iidda iyo saddexda ka dambaysa ka mid ah udxiyadiisa wuu qalan karaa. Waxaaba aad mooddaa in xikmaddu ku jirto in dadka qaarkood ay udxiyadooda dib u dhigtaan, haddii dadka badankiisu maalinta iidda ay udxiyadooda wada qalayaan, si dadku fursad ay ugu helaan inay maalmaha kalena ka faa'iidaystaan, oo aan hal maalin hilbaha oo dhami isaga dul imaan.

Maadaama waqtiga udxiyada la qali karaa uu billaabanayo salaadda dabadeed ayaa waxaa la ogolayn in neefka la sii qalo habeenka iiddu soo galayso, ama subaxa iidda inta aan salaadda la tukan, qofkii waqtiga loogu talagalay ka hormariyana ma helayo ajarkii udxiyada laga helayey, ee wuxuu u noqonayaa neef uu isagu iska qashay, waxaana laga rabaa inuu neef kale gawraco, haddii uu rabo inuu sunnada muslimiinta waafaqo, sida uu Rasuulku SCW u yidhi: "Qofkii salaadda horteed (udxiyada) bireeyaa ha ku soo celiyo." 

INTA UDXIYO UGU FILAN QOYS WALBA
Qoyskii udxiyaysanaya waxaa ku filan hal neef oo adhi ah, intii uu rababa qoyskaasi ha ka koobnaadee, maadaama neefka ishinka ahi (waxaa lo'da iyo geela la isku yidhaahdaa ishin) uusan la ekayn lana hilib iyo qiima ahayn neefka adhiga ah, ayuu wuxuu ku filnaan karaa in ka badan intii neefka ariga ahi uu ku filnaa, sidaa awgeed neefka lo'da ahi wuxuu ku filan yahay todobo qoys, oo meeshii qoys walbaaba hal neef oo adhi ah ka soo iibsan lahaa, haddii ay hal neef oo lo' ah isku darsadaan, waa ku filan yahay, oo uma baahna wax kale, qofka kaligiis ah iyo qoyska isku wax ayaa udxiyo ugu filan, ee halla ogaado, neefka geela ahina wuxuu udxiyo ugu filan yahay toban reer, waxaana Cabdullahi bin Cabbaas (a.k.n) laga soo wariyey inuu yidhi: "Innagoo safar ku jirna oo Rasuulka SCW la soconna ayaa waxaa soo galay waqtigii udxiyada, markaas ayaan neefkii lo' ah todobo qof ku qaybsannay, midkii geel ahna toban qof."

XOOLAHA KUWOODA LAGU UDXIYAYSAN KARO
Waxaan soo xusnay in adhiga, lo'da, iyo geelaba lagu udxiyaysan karo, laakiin intaa lagu dayn mayo, oo neef udxiyada galayaa waa inuu soo buuxiyaa shuruudo cayiman, haddii neefku aanu ka soo bixin shuruudahan ma noqonayo mid udxiyo gala, shuruudahaasina waa:

  1. Haddii neefku yahay neef ido ah waxaa shardi ah in hal sano ay u buuxsantay, haddii uu riyo yahayna waa in laba sano u buuxsanto, sannadka saddexaadna uu galo, neefka lo'da ahna waa in sidoo kale laba sano ay u buuxsanto, midda saddexaadna uu galo, neefka geela ahna waa in shan sano ay u buuxsantaa, midda lixaadna uu galaa.

  2. Neefku waa inuu ka nabad qabaa ceebaha u diidi kara inuu noqdo mid lagu udxiyaysan karo, ceebaha la rabo inuu ka nabad qabaana waa:

  1. Cudurrada xoolaha ku dhaca, sida cadhada, sanbabka, shinbirka, iwm, sidaa awgeed waa in neefku aanu qabin cudur muuqda oo wax u dhimi kara, laakiin haddii uu qabo wax aan sidaas u darnayn wax dhib ah ma keenayo.

  2. Il caddaad, haddii ishu si muuqata u caddaato ma uu galayo neefkaasi udxiyo, haddii uu il la’yahay oo aanu waxba arkayn way ka sii daran tahay.

  3. Dhutin muuqata, waa aanu neefku ahayn mid u dhutinaya (laan-gadhaynaya) si muuqata, sida neefka jaban iwm, haddii uu sidaa yahay ma galayo udxiyada.

  4. Dhuux ama baruur la'aan, haddii neefku aanu dhuux ama baruur lahayn, sida neefka aad wayda ah, ama duqa ah, laguma udxiyaysan karo.

  5. Dheg go'naan ama jeexnaan, haddii dhegta oo dhan ama badhkeed uu go'an yahay udxiyo ma galayo, haddii dhegtu dillaacsan tahayn waa sidaas oo kale, haddii xubnihiisa qaar go'an yihiin sida badhida iwm, shaki kama taagna inaan la'ogolayn, sidaasna waxaa la mid ah haddii gees jaban yahay.

Ceebahan aan soo xusnay waxaa caddeeyey, oo ay ku xusan yihiin xadiis sugan, oo uu soo wariyey Baraa bin Caazib (Ilaahay Raali ha ka noqdee) oo xusay: "In Rasuulka SCW la waydiiyey iyadoo lagu yidhi: neefafka lagu udxiyaysanayo kuwee ayaa la iska ilaalinayaa? Markaasna inta uu gacanta ku ishaaray yidhi: afar: midda dhutinaysa, ee dhutinteedu ay muuqato, midda isha la', oo il la'aanteedu muuqato, midda bukta oo xanuunkeedu muuqdo, midda wayda ah, ee aan baruurta lahayn.

Top


Siyaasiga Cabdi Xasan Buuni Oo Sheegay Inuu Isu Soo Sharaxayo Jagada Madaxweyne K/Xigeenka

Hargeysa (Haatuf) Siyaasiga Wayn ee Cabdi Xasan Buuni oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa xalay sheegay inuu u sharaxanyahay jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Mr. Buuni sidaa wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Hoteelka uu deganyahay ee Hargeysa Club oo uu saxaafada uga waramay, laakiin ka hor intii aanu bilaabin hadalkiisa wuxuu saxaafadda u qaybiyay qoraal kooab oo uu kaga waramay taariikh nololeedkiisa, iyo hantidiisa kaalintiisa siyaasadeed oo uu sheegay inuu u gudbiyay gudoomiyaha xisbiga, golaha fulinta ee xisbiga iyo golaha dhexe wuxuuna yidhi "intaanan u galin taariikh nololeedkayga waxaan jecelahay inaan wax yar ka idhaahdo muddadii gaabnayd ee aan ka midka ahaa xisbiga KULMIYE oo aan aad ugu faraxsanahay ama raali aan ka ahay madaxda iyo xubnaha golaha dhexe oo aanaan intooda badan aqoon isku lahayn laakiin aanu maanta xisbiga wada nahay oo aan ka bartay rag badan oo aanu imika saaxiibo iyo walaalo nahay kuwaasoo igu dhiiriyay inaan weheshado inta noloshayda ka hadhay anagoo ku walaal ah xisbiga KULMIYE".

Mr. Buuni wuxuu intaa ku daray inaanay ujeedadiisu ahayn inuu ka shaqaysto maal iyo mansab jacayl aanu midna hayn ee uu u danaynayo aayatiinka dalka oo uu xog-ogaal u yahay xaaladiisa, halka ay taagantahay.

Hase yeeshee, Mr. Buuni wuxuu ka waramay intii uu xisbiga ku jiray oo uu sheegay inuu ku soo biiray isagoo xisbigu jiray muddo afar bilood ah, isla markaana muddadaa uu ahaa xubnaha ugu firfircoon, iyadoo uu intaa ku daray inay taageerayaasha xubnaha iyo gudiyada kala duwan ee xisbiga u arkayeen Axmed Siilaanyo inuu yahay aasaasihii iyo hogaamiyihii xisbigaaa, loona arkayay inuu yahay musharaxa xisbiga.

Cabdi Xasan Buuni wuxuu sheegay in makrii la arkay inuu xisbigu rajo wayn leeyahay ay rag jaraa’idka isku soo qoreen oo sheegeen inay musharaxiin yihiin taasoo u ku tilmaamay inay noqotay ku qabso ku qadi mayside oo ay taasu siyaasadii soo gashay. Mr Buuni wuxuu ku eedeyay xisbiga UDUB sida uu ugu tagri falayo awooda iyo dhaqaalah dalka wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi "UDUB oo aynu ogayn sida ay ugu tagri fashay doorashooyinkii hantidii qaranka waxay hada soo gaadhay inay xisbiyada intay dad lacag soo siiso ay tidhaahdo isla sharaxa, oo fadqalalo iyo dhibaato ka dhex rida."

Mr Buuni waxa iyana uu ka hadlay nabadgelyada ay Somaliland ku naaloonayso oo uu sheegay inay tahay ta qudha ee aynu calanka ku iibgaynayno. Laakiin haddii la waayo cadaalad iyo hantida qaranka oo loo simanyahay inay taa macnaheedu tahay in la dumiyay nabadii iyadoo uu sheegay inay UDUB dadka ku tidhaahdo "UDUB" haddii la waayo nabadi jiri mayso oo nabadaa burburaysa."

Laakiin dhibaatada taalaa waa UDUB oo hadal uu cadaalad iyo sinaan waayo oo la dhawri waayo xaqa ay leeyihiin labada xisbi ee cadaalada ku soo baxay ee ula siman hantida iyo dawladnimada oo uu agtiisa ka eegi waayo inaanay waxba ka jirin nabad baanu hogaan u nahay ayuu yidhi Mr. Buuni. Wuxuu intaa ku daray inay Somaliland leedahay cadaw siyaasadeed oo badan laakiin lagaga gudbi karo oo kaliya inay xisbiyadu u sinaadaan talada iyo awooda qaranka.

Mr Buuni wuxuu amaan u soo jeediyay Akadamiyada uu madaxda ka yahay Dr. Bulxan oo uu sheegay intii aan la galin doorashooyinkii ay qaban qaabiyeen dood wax wayn ka taray axsaabta wuxuuna ku booriyay inay dib u bilaabaan doodahaa.

Mr. Buuni waxa uu dhashay 1935-kii isagoo ku dhashay magaalada Boorama.

Waxbarashadiisa wuxuu bilaabay 1945-kii, ilaa uu ka gaadhay heer jaamacadeed, waxa kale oo uu leeyahay khibrad dheer oo dhinaca siyaasadda, xilalka uu soo qabtayna waxa ka mid ah isagoo 10 sanadood xubin ka ahaa baarlamaankii Soomaaliya, waxa kale oo uu noqday Ra’iisal wasaare ku xigeen.

Hanti ahaan Cabdi Xasan Buuni waxa uu leeyahay guryo iyo Hoteelka Harawo ee Boorama, waxa kale oo uu xusay inuu hanti dhaqaale leeyahay.

Top


Xubin Ka Tirsan G/Deegaanka Boorama Oo Ku Eedeeyay Maamulka Awdal Faragelin

Booramaa (Haatuf):- Xubin ka mid ah xubnaha 21ka ah ee kusoo baxay doorashooyinkii golaha deegaan ka degmada Boorama ayaa ku eedeeyey maamulka Gobolka Awdal inuu soo farageliyey doorashooyin lagusoo dooran lahaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxxigeenka golaha deegaanka degmada Boorama 27kii bishii January. Sida uu ku soo waramay weriyuhu, Mr Axmed Muumin Dhoolaal,oo ah xubinta koowaad ee urursiyaasadeedka UDUB ugu qoran liiska xubnihiisa, haystana shahaadadda Jaamacadeed , ayaa shir jaraaid oo uu shalay ku qabtay Boorama waxa uu sheegay inaanu ogeyn doorashooyin reer Boorama ama xubnahooda 12ka ah ee ku jira urursiyaasadeedka UDUB ay kusoo doorteen Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen beddeli doona maamulka kumeel gaadhka ah ee hadda jira,isagoo sabab uga dhigay inaanu goobjoog u ahayn doorashada la sheegay inay ka dhacday dawwladda Hoose ee Boorama 27kii bisha.

Mr.Dhoolaalwaxa kale oo caddeeyey in wakhtigaa la sheegayo uu isagu xubnaha kale ee UDUB ay u ballansanaayeen kulan dhexdooda ah oo aay kaga hadli lahaayeen sidii ay isugu tanaasuli lahaayeen maadaama ay musharraxiinta jagadaasi badnaayeen. 

"Waxan rumaysanahay in badhasaabku uu xaq u lahaa fadhiga koowaad ee Golaha deegaanka, umase xaq lahayn inuu fadhiyo kale abaabulo waxanan u arkaa mid uu doonayo inuu mansabkiisa ku ilaalinayo. Waxa kale oo an rumaysanahay in raga la leeyahay waxa ay doorteen Guddoomiyaha iyo kuxxigeenskiisa aan u arkayo rag iska tegey meesha oo si kedis ah ula kulmay, iyo kuwa dhaabarka laga taabtay, sidaasina maaha si xaq ah oo wax lagu dooran karo. Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi oo aan wax ka weydiinnay waxa ka jira hadalka Axmed Mumin waxa uu yidhi, "waxann idiin sheegeyaa in dadka jooga magaaladu dhammaantood ay doonayaan inay qabtaan jagadan taasoo an caqligal ahayn, waxayna doorashdii dhacday 27kii bishan ahayd mid xor oo xalaal ah." Waxa kale oo iyaguna arrintan doorashada Golaha deegaanka Boorama ka hadlay xubno isugu jirey urururada mucaaradka iyo kuwa UDUB iyagoo lix ka mid ahi yidhaahdeen nalooma sheegin wakhtiga uu qabsoomi doono fadhiga labaad, waxase isagu diiday Cabdi Shide BILE oo isagu ka tirsan 12ka xubnood ee UDUB oo sheegay inuu ogaa raallina ka yahay doorashada balse uu dib uga dhacay wakhtigii loogu talogalay. Waxa kale oo Cabdi beeniyey war ay soo saareen lixda kale 28kii bishan oo ay magaciisa ku dareen.

Top


Ilmo Yar Oo Isagoo Meyd Ah Laga Helay Magaalada Berbera

Berbera (Haatuf):- Ilme yar oo meyd ah ayaa maalintii shalay laga helay meel gudaafad ah magaalada Berbera.

Ilmahan yar oo loo malaynayo inay hooyadii habeenimadii ku tuurtay goobtaas waxa subaxnimadii shalay helay dadweyne ka tirsan reer Berbera, kuwaas oo markiiba gaadhsiiyay warkaa ilmahaa yar ciidanka booliiska ee Berbera oo geeyay qolka meydka ee dhakhtarka Berbera. Kadibna ciidanka boolisku waxay ku wareejiyeen D/hoose ee Berbera, si ay u aasaan meydka ilmaha yar.

Ilaa iyo hadda gacanta laguma dhigin hooyadii ilmahaa yar e gashay dembigaa culus, balse sida uu ku soo warramayo weriyaha Haatuf ee Berbera C/raxmaan X. Daahir (Casaan) oo warkan noo soo diray, Ciidamada dembi-baadhista ayaa bilaabay baadhista arrintan iyo baadi-goobka dembiilayda geysatay falkaa naxariis-darrada ah, mana cadda in ilmahaa yar isagoo nool la tuuray iyo in isagoo meyd ah la dhigay goobta qashinka lagu qubo ee laga helay.

Top


Malaayiin Muslimiin Ah Oo Bilaabay Gudashada Waajibaadka Xajka Ee Sannadkan

Makka Al-Mukaramah (W.Wararka) - In ku dhow laba milyan oo muslimiin ah oo haatan ku sugan dhulka barakaysan ayaa maalintii shalay istaagay buurta Carrafa, taas oo bilow u ah gudashada waajibaadka xajka ee sannadkan.

Dawladda Sucuudiga ayaana ammaanka aad u adkaysay si uu gudashada xajku ugu dhaco si nabadgelyo ah oo aanay wax rabshado ahi u dhicin, iyadoo horena ugu digtay dadka xujaajta ah si ay uga digtoonaadaan wax rabshado ah oo dhaca.

Waxaa maalintii shalay muslimiinta taagnayd Carrafa khudbad dheer u jeediyay Muftiga Sucuudiga Sheekh C/casiis binu Cabdallah Aala Sheekh oo ka digay cadowga muslimiinta oo uu sheegay inaanay marna u naxariisanayn dadka muslimiinta ah, isla markaana ay ku hawlan yihiin sidii ay u qaybqaybin lahaayeen dalalka islaamka ah si ay uga dhex-faa’iidaystaan.

Isagoo intaa ku daray Muftigu in dadka muslimiinta ahi ay marayaan marxalad aad u adag oo u baahan in meel looga soo wada jeesto, isla markaana wadajir la muujiyo.
Muftigu waxa uu ugu baaqay dadka muslimiinta ah in ay la yimaadaan midnimo iyo wadajir si ay uga hortagaan xeeladaha cadowgooda.

Hadalkan muftigu waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay xajka sannadkan saamayn weyn ku leedahay xiisada ka aloosan Khaliijka ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Ciraaq oo xad la leh Sucuudiga. Maalmaha soo socda ayaanay dadka xujaajta ahi gudan doonaan inta uga hadhay qaybaha kale ee Arkaanta xajka.

Top


Gaashaan-Buurta NATO Oo Ku Kala Jabtay Weerar Lagu Qaado Dalka Ciraaq

Bruceless (W.Wararka) - Dawladaha reer Galbeedka ee xubnaha ka ah gaashaan-buurta NATO, ayaa si weyn ugu kala qaybsamay weerar lagu qaado dalka Ciraaq shirweynahooda haatan uga socda magaalada Bruceless ee dalka Belgium-ka.

Dawladaha Belgium, France iyo Jarmalka ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha Maraykanka ee ku aaddan dalka Ciraaq. Waxaanay dawladahaasi awooda Diidmada Qayaxan (Vito Power) ku horjoogsadeen Maraykanka oo soo jeediyay in dalka Turkiga loo sameeyo ilaalin iyo gurmad gaar ah marka uu bilaabmo weerar lagu qaado Ciraaq.

Sida ay sheegayaan suxufiyiinta ku sugan goobta u shirkaasi ka socdo, khilaafka soo dhexgalay NATO waa mid halis ah oo si weyn u kala qaybiyay dalalka xubnaha ka ah NATO, iyadoo ay Dawladda Maraykanku la kulantay mucaaradad xoog leh.

Xog-hayaha guud ee gaashaan-buurta NATO, Xavier Solana oo arrintan ka hadlayay ayaa khilaafka soo dhexgalay gaashaan-buurta NATO ku tilmaamay mid halis ah.

Dhinaca kale, Madaxda baadhayaasha hubka Ciraaq Hans Bilks iyo Maxamed Baraadici ayaa maalintii shalay ka amba-baxay dalka Ciraaq, kadib markii ay halkaa kula yeesheen mas’uuliyiinta Ciraaqiyiinta wadahadallo lagu tilmaamay kuwo dhiirigelin ah, waxaana lagu wadaa inay warbixintoodii ugu dambaysay gaadhsiiyaan G/Ammaanka ee Q. Midoobay.

Top


Axmed Sandoon Oo Hambalyeeyay Maayarka Cusub Ee Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Axmed Sandoon Xasan oo ah musharrixii jagada maayornimada kula tartamay duqa cusub ee dhowaan loo doortay Hargeysa, oo tartankaa lagaga guulaystay ayaa hambalyeeyay maayorka cusub iyo golaha degaankaba.

War-saxaafadeed arrintaa uu kaga hadlay oo uu xalay nasoo gaadhsiiyay Axmed Sandoon, wuxuu u qornaa sidan:

"Aniga oo ah Axmed Sandon Xassan waxaan halkan ku hambalyaynayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Degaanka Hargaysa ee ay Guushii tartanku ku raacday, waxaanan leeyahay marka hore hambalyo, marka xiga shaqo iyo wadashaqayn wanaagsan.

Waxa kale oo aan halkan ku hambalyaynlayaa labadii Xubnood ee Codka ii siiyay ee kala ahaa Sahan & Hormood ee iyagu aan baalmarin wacadkii ay qaadeen.

Dadwaynaha reer Hargaysa ee jeclaa in aan noqdo maayarka waxaan leeyahay yaynaan niyad jabin, anigana iimaba taal inta Hargaysi sidan tahay, waxaanan idinku balanqaadayaa in aanan waxba ka badalin hadafkaygii ahaa in Hargaysa Heegada la saaro oo la gaadhsiiyo qayrkeed, Guddomiyaha Cusubna waxaan kula soconayaa oo kaliya, cidina igu diri Karin, hadii hadaf kiisu kaa yahay.

Waxa kale oo haboon in aan ku xuso qoraalkan in laga fikiro bal sidii labada xisbi ee Mucaaradka ahi u sii jiri lahaayeen mabdi’iyan. Dhaqaale darida horaa loo ogaaye, waayo Mucaarad hagaagsan iyo Muxaafid hagaagsani waxay iska dhalaan "Horumar."

Waxaan Qoraalkayga ku soo gabagabaynayaa ilaahayna ka rajaynayaa in umada reer Somaliland gebi ahaan ku ciidaan bashbash iyo barwaaqo idin saamaysa.

Top


Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde

Qalinkii - Boobe Yuusuf Ducaale 
Q: 3aad

Maansadii Iyo Maansayahanimadii Timacade


Marxaladdii labaad
Marxaladdani waxay C/laahi Suldaan ugu bilanaysaa maansadiisii damaashaadka, raynraynta, gelbiska iyo mahad-naqa Eebe isugu jirtay. Maansadaa, waxa ballaysin u ahaa geeraarka caan-baxay ee magaca Timaca-cadde la macnaha noqday, ee ‘Kaana siib kan-na saar’, geeraarkaa, waxa xuddun u ahaa:

"Soomaaloo is-cunaysa oo,
Is seeggan dhammaanoo,
Saqda qaylo dhawaaqdiyo,
Sulub la isu cabaystiyo,
Hadba soof la xabbaadhiyo,
Saraaya demi weyday,
Kii laydhiisu na saaqday,
Kii sadqeeyay qabaa’ilee,
Isu saaray gacmaayee,
Saf walaala ka yeelayow,
********************
Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyoow ma nusqaamoow,
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib kana saar."

Geeraarkaas oo uu tiriyay 25/6/1960-kii, waxa ku lamaanaa geeraarka kale ee Xamdi Eebbe, ee uu Ilaahay ugaga mahad-celinayay guusha iyo gobanimada dadka u soo hoyatay. Waxa intaa xigtay, maansooyinkii Tima-cadde ee guubaabada iyo waanada ahayd ee uu dadka kula dardaarmayay; Wadajirka, walaalnijmada iyo wax wada qabsiga.

Iyadoo labadii gobol ee Soomaaliyeed ay midoobeen, 1/7/1960-kii, waxa gobolladii waqooyiga, booqasho ku yimid wefti uu hoggaaminayay Ra’iisal-wasaarihii xilligaasi oo ahaa C/rashiid Cali Shar-maarke. Bishii August bilowgeedii, 1960-kii, weftigaasi wuxuu marayay magaalada Kala-baydh oo ka tirsan degmada Gebilay, oo aan beryahaa degmo ahayn.

Timacadde oo Faras xamar ah oo qalabkiisii u dhan yahay fuushan ayaa weftigaa, maanso geeraarro u badnayd ku soo dhoweeyay, isagoo qaab warbixineed, geeraarradaa u dhigay, wuxuu yidhi:
"Midi waa dariftayda,
dadkuna wayla qabaa,
midina waa ducadeenna,
midna way dihineyd,
midina waa danteena,
midna waa dacwaddayda oo,
iyada waan ku dambeyn."
Warbixintaa C/laahi Suldaan, markaynu qodobada kale dhaafno, bal aynu soo qaadano qodobka ugu dambeeya wuxuu yidhi;
"Maalintii dabku qiiqayeen,
isticmaarkii is-diidnay,
nimankii danta sheegtayee,
dariiqooda ka leexanee,
dacwadooda dhammaystayee,
dalkan caawa aan joogno,
dulligii isticmaarkiyo,
dahaadhkiiba ka siibayee,
karal daaqad ka saarayee,
duddaanu ahayne,
********************
Dawlad soo gashay mayhine,
Danteennaa laba diiddaye,
Dabuub aanu maqlaynay,
Dareen baan ka qabnaayoo,
Dugsigii barlamaankiyo,
Dekeddii Xamar baa leh,
Berera daadku ha qaado,
Doonniyi yaanay ku leexan,
Duqaydii barlamaankaay,
Labadaa kala daaya oo,
Yaan loo daymo la’aan."

Dareen wax-tabasho ah oo tan iyo maalinta soo taxnaa ayaa halkaa ka bilaabmay, kaas oo maansada C/laahi Suldaan iyo hal-abuur kale oo badanba xuddun u noqday.

C/laahi Suldaan, maansadiisu kuma koobnayn oo keliya waayaha Soomaaliyeed. 1961-kii, markii la dilay Baatriis Lamuumba oo dalkii Koongo la odhan jiray Ra’iisal-wasaare ka ahaa, Timacadde wuxuu ka tiriyay gabay uu ugu baroor-diiqayay Lamuumba. Haddii aynu wax aan badnayn ka soo qaadano, waa kii lahaa:

"Geesiga madow uma oggola, guusha reer Yurube,
Geerida Lamuumbaa wadnuhu, noo gig leeyahaye,
Geyigii goortuu qabtee, gees isugu leexshay,
Iga guura galabtuu yidhaa, geeddan loo xidhaye,
Godka waxaw qoday Haamarshool, waa gedduu rabaye."

1961-kii, ayuu Timacadde markii ugu horraysay tegay Muqdisho. Xaalddii uu halkaa kula kulmay wuxuu si fiican ugu sifeeyay tixdiisa Buul-duqeed. Waxyar haddii aynu ka soo qaadano, waa kii lahaa:

"Shacbigii dagaalka u galaa, daadsan suuqyada’e,
danbarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,
ninaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degine,
hadduun baa sidii Buul-duqeed, daaha loo rogaye,
kol haddaan Talyaanigan dhex degay, cidi ka duubaynin,
iga daaya gabaygaygu wuu, iiga darayaaye."

Hoggaankii iyo madaxdii xilka ummadeed qabatay, markii la mideeyay labadii gobol ee xoroobay ee ay dhalatay jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, Timacadde, isagoo tilmaamayay, waa kii lahaa:

"Muskii baarlamaanada markaan, meel isugu geynay,
madaxweynayaal iyo markii, minister loo doortay,
maskaxdii wacnayd iyo dadkii, meel u wada jeeday,
nimankii melmelay waa kuwii, maalay keligoode,
hadday maalintiina hor kacaan, midho ma wayneene,
ma-xannaanadii baan arladan, meersi na u toline,
marnaba yaydinaan dhicin kuwi, male ku soo goostay,
suntay nagu mudeen wiilashii, lays martiyi waayay,
nimankii mabda’a reer galbeed, nagu maddiideeyay,
muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,
nimankuu muggooduba ahaa, maalin la casuumo."

Marxaladdan labaad, maansada Timacadde waxay u badnayd la-dagaalankii qaybyaaladda, musuqmaasuqa, maamul-xumida iyo wacyigelintii dadweynaha.

Waxa kale oo uu in badan maansadiisa marxaladdan kaga hadlay xorayntii dalalkii maqnaa ee higsigu beryahaa ahaa.

Shaki kuma jiro in uu C/laahi Suldaan, mug iyo baaxadba wixii ay maansadiisu lahayd, ku jeediyay la dagaalanka qabyaaladda, sidaana maanta lagu xusuusto, laguna xuso. Innaga oo aan ku dheeraan, waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa qaar ka mid ah, beydadka hal-ku-dhegga noqday, sida:

"Dugsi ma leh qabbyaaladi waxay dumiso mooyaane."
Waxa kaloo aynu soo qaadan karnaa; "Nin qabyaalad beertow wanaag, kuuma soo baxo."

Tusaale kale waxa aynu soo qaadan karnaa:

"Nin qabyaalad heensaynayaa, guul ma haybsado."
Waxa kaloo ka mid ahaa: "Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waa."
Ka geyoon mayno, haddii aynu is-nidhaa halku-dhegyada qabyaaladda ku beegan kala soo baxa maansada hodanka ah ee C/laahi Suldaan.

Dadka in badan buu si aan mugdi ku jirin ugu tilmaamay, in ay isku tashadaan oo ay ka waantoobaan beyro iyo wax shisheeye laga sugo. Haddii aynu wax yar ka soo qaadano, mid ka mid ah maansooyinkii dulucdaa ku beegnaa, wuxuu yidhi:

"Madax malaha aadamigu wuxuu kuu mitamiyaaye,
macalluul wax kaagama taraan, maal laguu guraye,
midigtaadu waxay xoogsataa, meydha kaa jara’e,
marka aanad lahayn looma lulo, maanka weligaaye,
maggaabada hashaada ka roon, meydhanan kale’e,
marka aanad hammoon noloshu waa, mooyi dabadeede."

La soco..

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA 

Anigoo Aabahay La Liita Ayuu Aabahayna Aabihii Doontay
Anigoo ah arday dhigta dugsiga sare ee 26 June waxaan halkan ka soo jeedinayaa talo ku saabsan muwaadiniinta bilaa camalka ah ee ku dhaqan magaalooyinka dalka taas oo ay sababtay in dad aan u dhalan dalka ay ka shaqaystaan, shaqadaas oo uu buuxin karayay muwaadin u dhashay Somaliland. 

Markaa dadka loo shaqeeyaha ah waxaan leeyahay waar eeg walaalkaa intaad nin kale u baaqaysid sababtoo ah lacagta aad bixisaan waa mid kaa go’nayd.

Waxaan xukuumadda kula talin lahaa inay arrintaas talaabo laga qaado dadka shisheeye kalkaalka ah.

Inagoo odhan lahaa ayaynaan rumayn maahmaahdii odhan jirtay anagoo aabahay la liita ayuu aabahayna doontay aabihii. Sidaa waxaynu kaga badbaadi doonaa haddii aynu tixgalino muwaadinka. Tixgalinta ayayna afkuun noqonine waa inaynu ficilkeeda samaynaa taas oo aynu ka bixi karno baahida ka jirta maanta ee ina saamaysay markaa aan hurdada ka kacno.

Xasan axmed caydiid iyo mustafe c/laahi xuseen xidig Hargeysa.

Top


"Nin Ambaday Halkuu Aaday Way Ula Ekoonaatay"

"Weedha Wargeyska" ee Maandeeq cafwan cadadkeedii 1014 maalintii sabtidii ee 8/02/03 "Gabadhi waa dhaxdin" ruuxii qoray iyo tifaftirihii oggolaadayba waxaan odhan karaa labadooda dhafoor waxba ugumay dhex jirin si kale haddii aan u idhaahdo madaxyadoodu laf bay u badantahay.

Joornaalku isaga oo la ogyahay inuu afka dawladda ku hadlo ayuu haddana meel kaga dhacay muwaadiniinta dalka rag iyo dumarba. Waynu soo dhaafnay dagaal baynu kaga soo gudubnay, waqtigii qofkii hadlaba ama damac siyaasadeed yeeshaba la odhan jiray waa qaran dumis ama waa laga dambeeyaa ee la weerari jiray.

Dumarka Somaliland waa dhalad iyo dhalasho, waa kuwii naftooda u huray inay dalka xoreeyaan, waana kuwa laf-dhabarta u ah dhaqaalaha dalka iyo dhaqankiisa bulshaba. Ma aha dad aan aqoon lahayn oo kolba cidii guursata uun la midab iyo mabda’ ah. Maahmaahda wargeysku soo qaatayna waxay lahayd waqti iyo dhaqan u gaar ahaa oo ka duwan kan dawladnimo iyo wadaninimo.

Dumarku waa kuwa u codeeyay xisbiga dawladda ee u qiray inuu yahay xisbiga nabada metela. Waa nasiib darro inuu joornaalka xukuumaddu ku sheego dumarka waxaan qiimo lahayn oo abaalkooda waxaa ka dhigo. Doorashooyinkii weli way socdaan, dumarkuna way soo jeedaan sida loo dhaqmayo.

Qoraalka wargeyska waxa uu ku cad yahay beenta uu ka sheegayo shareecada islaamka, dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka. Qodob gaar ah oo uu cuskado muxuu u magacaabi wayay oo caddeeyo waxa uu ku andacoonayo.

Isaga ayaa qaanuunka dalka meel kaga dhacay markuu isaga oo aan caddayn iyo wax raad ah toona hayn ku eedeeyay Foosiya inay cid kale ka dambayso oo ay qaran dumis tahay.

Wargeyska haddaan laba wax oo kaliya uga sheego waxay Foosiya ku soo kordhisay dalkan, Foosiyi waa tii:

  1. Xarunta xanaanada agoonta SNM iyo tababarka xirfadeed ee haweenka samaysay ee hirgalisay intii aanay dagaaladii sokeeye xidhin xaruntii.

  2. Waa tii samaysay Jaamacada Hargeysa ee dedaalkeeda qofnimo ku keentay iyadoo hida raacaysa aabaheed Yuusuf X. Aadan Cilmi oo ahaa aabihii labaad ee waxbarashada Somaliland.

Waa kee siyaasiga "nin" ah ee kaligii Jaamacad sameeyay? Waa kuma siyaasiga "nin" ah ee kaligii Cusbitaal sameeyay? Dalkani raggiisa dumarkiisa iyo carruurtiisaba wuu u baahan yahay ee "Maandeeqay" ku biyo cab.

Foosiya Yuusuf ma qaldana haddii ay dastuurka iyo xeerarka kaleba wax ka sheegto ama ay caddayso sida ay iyadu u fahamtay waxay waliba xaq dastuuri ah u leedahay inay waxyaabaha qaar diido oo ay tidhaa wax ha laga bedelo. Waxase loo baahanyahay in laga qanciyo sida saxa ah iyo waxii aanay ogayn. Sharci walba oo adduunka ka jirana waa lagu murmaa waase lagu kala baxaa shakina kama jiro in xeerarkeenu god daloolooyin leeyihiin, gaar ahaan kuwa doorashada iyo jinsiyadda, qaarna qabyaba yihiin xeerarka dadkaa samaysta waxay doonaanna ku dara ama ka reeba.

Wargeyka iyo dadka qora ee dawladda u shaqeeyaa ma garan karaan waxa xukuumadda sharafteeda dilaya, waayo may qoreen wax meel kaga dhacaya haweenka dalka ku dhaqan. Waxaanu hubnaa in aanay xukuumaddu raali ka noqon doonin waxa ku qoran wargeyska gaar ahaan waqtiga doorashada lagu jiro. Wargeysku waxa uu haystaa saddexda dumar ah ee magacaabay ay ku badan yihiin saamigii haweenku heli lahaa hogaanka dalka iyo axsaabta?

Wargeyska Maandeeq ee "Madaxa banaani" xaal iyo raali galin ha siiyo akhristayaashiisa, dadweynaha iyo xukuumadaba. Wargeysku ha raadsado dad aan madaxooda garbahooda lagu miisaamin ee maskaxi ugu jirto oo xaqsoorka yaqaan dadkana bari kara dimuqraadiyada haddii kale magaceeda ha u badesho "Xidigta Octoobar".

C/laahi J. Cismaan.
Hargeysa

Top


Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna

Aniga oo ah Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba), waxaan hambalyo iyo boogaadin aan la soo koobi karayn u diraya maayorka cusub iyo ku xigeenkiisa ee loo doortay in ay maamulaan magaalada caasimadda ah ee Hargeisa, Mudane Engineer Xuseen Maxamed Jaciir Iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Cabdiraxmaan Aw Yuusuf Axmed, runtii waxaa ii muuqata hawl aad u balaadhan oo leh higsashadeeda, waxaan ilaahay subxanahu watacalaye labadan masuul ee loo gartay inay xilkan hanan karaan sida dimuqraddiyadu ku jirto uga beryaya inuu u fududeeyo hawlaha ku soo foodleh, balse waxaa iga waano, tusaale iyo toosin ah, oo aan u caddaynaya golaha deegaanka ee Hargeisa oo iila muuqda inay ku bahoobeen rag masuuliyiin u muuqda inay xisaabtan buuxda ku sameeyan waxqabad kasta iyo waxqabadla, aan kasta oo ay masuuliyiinta aad xilka u igmadeen la yimaadan (development or neglecting), mudanayaal waxaan idin xasuusinaya inaad taariikhda dib u jaleecdaan, badiba waxaa soo maray xilkan aad maanta markii ugu horaysay si dimuqradiyad ah ugu codayseen afar ilaa shan masuul oo iskaga danbeeyey xaqiiqdii anigu garan maayo mid ka mid ah mooyaane (Engineer Maxamed Xaashi Cilmi) inta kale wax qabasho ay la yimaadeen, taasina mudanayaal waxaa ugu wacna dayacaad farabadan oo ka imanaysay hogaanka sare ee qaranka, mudanayaal maanta waxaa miiska idiin yaalla hawl aad u culus balse nasiib wanaag waxaa qaranka dahabka ah ee reer Hargeisa idiinka fadhiyaan guul (success) iyo guul darro ay weliba raacsantahay ceeb (humiliation and scandal) aad soo hordhigtaan shacabkan idin doortay, mudanayaal maaha xilku raaxo iyo faan aad isku biddo iskuna qanciso shakhsiyan balse waa wax qabasho iyo raad raac kuu geli doonta taariikhda umaddani ee haatan usoo bildhaamaysa sida dahabka una soo butacaysa sida webiga una soo uraysa sida cadarka, wakhti waa laba qaybood mar adiga ayuu kula saaxiibyahay marna waa kaa fogyahay, waxaan idin xasuusinaya inuu maanta idin horyaallo wakhti (chance) aad dadkan wax ugu qaban kartaan oo iyaguna idiinku bogi karaan. balse hadii aad kaga dhigtaan hal bacaad lagu lisay ma filaayo inaad dhaami doontaan kuwii hore u dayacay ee aan soo tiraabay. guntii iyo gebogabadii waxaan idin leeyahay (CIDINA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA)

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Karachi, Pakistan

Top


Maamulka Golaha Deegaanka

Maamulka cusub ee deegaanka Hargeysa waxay ka sugayaan bulshada reer Hargeysa in ay marka ugu horaysa xidida u saaraan silsilada wada shaqaynta leh oo musuqmaasuqa iyo dhul boobka ku dhisan ee ay sameeyeen maamuladii musuqmaasuqa lagu soo xuli jiray ee dawladda hoose Hargeysa.

Sida aad xidida ugu saari kartaana sida ay anaga nala tahay waa iyaga oo talaabooyinkan qaada.

  1. In ay degmooyinka caasimada dib ugu soo celiyaan shaqaalihii hay’adda shaqaalaha dawladdu qortay ee daacadnimada awgeed shaqada looga fadhiisiyay.

  2. In xubnaha ku ugaadhsada shaadhka golayaasha dawladda ee ka taajiray dhulkii danta guud ay ka fogaadaan taladooda iyo qorshayaashooda.

  3. In xubnaha ciidamada qaranka ka midka ah ee ku mamay dhul la qaybsigii maamuladii sare ee hore loo sheego in ay xeryahoodii ay ku noqdaan lalana socodsiiyo madaxda sare ee ciidanka qaranka

  4. In mashaariicdii horumarinta ee caasimada hay’adaha caalamigu ugu talo galeen ragii dhexda u joogsan jiray laga badelo.

  5. In loo digo maafiyadii masaakiinta dhulka kaga qaadan jirtay qoryaha, kuwaasi oo ku xidhnaan jiray madaxda xaafadaha ilaa maayarada.

  6. In kuwa xaafadaha ku qaada dacwadaha la in ay isku xidhanyihiin qoriilayaasha dhulka soo booba.

Haddii aad sidaas yeeshaan waxaad soo celinaysaan kalsoonidii shacabku ku qabay dawladda hoose, haddii kale, odayaal waxaad noqonaysaan kuwii raagsaday wakhtigii ay dalka iyo dadkaba ay burburinayeen, rajadii dheerayd ee shacabka caasimaduna wuxuu noqonayaa hal bacaad lagu lisay.

Yuusuf Sh. Xuseen
Faysal X. Axmed (Birta)
Bashiir Maxamuud Cabdi
Xiis Cabdule Saciid.
Hargeysa

Top


Yay U Habranayaan Maamulka Degmada Gabilay Inay Sameeyaan Town Plan-ka Tog-Wajaale

Wadooyinka jidadkii town plan-ka waxa ay had iyo jeer muujiyaan horumarka xadaaradda iyo tadawurka magaalooyinka.

Haddaba su’aasha aan ku bilaabay maqaalkaygan waxaan jawaabteeda ugu fadhiyaa maamulka Degmada Gabilay oo tayo maamula khibrad iyo aqoonba u leh inay sameeyaan town Plan-ka taas oo sahli lahayd ama fududayn lahayd wax wayna ka tari lahady arrimahan:

  1. Bilicda xaga dhulka ee hadhaysay Tog-Wajaale oo si wayn u soo bixi lahaa

  2. laga hagar bixi lahaa laguma kala faalali lahaa.

  3. Ganacsatada ka soo bara kacday Harta Sheekha oo heli lahaa fursado ay kaga faa’iidaystaan mihnadooda ganacsi

  4. Ganacsatadii yaryarayd oo heli lahaa meelo ay ku meel gaadh u sii dhistaan iyada oo ay hadda baro-kac wayn ku hayaan ganacstada waawayn ee ka timid Harta Sheekh.

Dhibaatooyinkan oo dhan iyo qaar kale oo aanan ku soo koobi karin maqaal kali ah waxa lagaba bixi lahaa marka ay maamulka degmadu sameeyaan Town Plane iyada oo magaaladu hadda u jirto in ka yar 20 Mitir (labaatan mitir) sagarooyinka ku xeersan daafaha magaalada, taasoo bilicdii magaalada wax weyn u dhintay waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan maahmaahda afka soomaaliga ahaa ee tidhaahda "Hashu maankayga gadee ma maasaar bay liqday"

Maxamed Cabdi Cali 
Tog-Wajaale

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 85aad

Mingistu: Dadka Itoobiya ee ay tiradoodu ahayd lixdanka milyan ayaanu anaga oo dawlad ahaan ku shaqaynaynay ka dhex helay toddobaatan kun oo qof oo keliya , markaa inta aan la iska odhan waxa madhay fac iska shan, halay waydiiyo imisa ayey tiradoodu ahayd dadka IHABA, runtii ma jirto cid qudha oo isku dayday inay ogaato inta ay tiradoodu ahayd, sidaa darteed iska dhaaf qaar ka mid ah oo xataa hadii ay tirada ay IHABA-du ka koobnayd oo dhami madhaan, sidee baa loo odhan karaa waxa madhay fac iska dhan oo dhalinyaro ah, waayo xubnaha IHABA-duba waxay ahaayeen tiro yar. 

Tusaale ahaan dhinacyada waqooyiga iyo bariga dagaaladii ka socday ma waxa la odhan karaa dhalinyaro badan baa ku dhimatay, taasi ma jirto, waayo xataa taangiyadii, sawaariikhdii iyo miigagii ka dagaalamayey goobaha dagaalka ayaanay ku dhiman dhalinyaro badani, markaa sidee bay magaalada ugu dhinteen. Laakiin mararka qaarkood dadkayagu sheekooyin ayey iska buun-buuniyaan, tusaale ahaan waxay yidhaahdaan "Axmed Guray dhererkiisu wuxuu ahaa 80 dhudhun, seeftii uu sitayna waxay ahayd 40 dhudhun", markaa sheekooyinka caynkaas oo kale ah ee ay sameeyaan ayuun bay tanina la mid tahay, waayo hadii aanay sidaa ahayn IHABA-da ama ururadii kaleba taageerada ama tirada dadka ee ay haysteen marka la eego may ahayn kuwo loogu yeedhi karo ururo, sidaa darteed tijaabo ayuun bay wadeen, waxayna dhamaantood ahaayeen kooxo yar yar oo aan heer urur ama xisbi gaadhsiisnayn.

Ta kale keligood dhalinayradu may taageersanayn ee anaga laftayadu waxaanu lahayn dhalinyaro na taageersan , dhalinyaradaasina waxay ahaayeen kuwo hirgeliyey qorshayaashii beeralayda dhulka lagu siinayey, sidaa darteed hadii ay IHABA-du sheeganayso inay ahayd hogaankii dhalinyarada ma lays waydiiyey cidda ka dambaysay burburkii IHABA-da, waxay ahaayeen dhalinyarada.

Ganat: Adigu dadka berigaa dhintay imisa ayaad leedahay bay tiradoodu gaadhaysaa?

Mingistu: Arimaha in la kala shaandheeyo oo la hubiyo ayaa loo baahan yahay, laakiin tusaale ahaan xiligii lagu jiray kobcintii kacaanka dad fara badan ayaa dhintay, balse dadka dhintay may ahayn kuwo IHABA ama MA’ISO oo keliya raacsiisan.

Masalan is-qabsigii dhexmaray beeralayda iyo nimankii kale ee dhulka lahaa iyo qolyihii kale ee qabyaaladaystayaasha ahaa ee garaadkoodu yaraa waxa lagu xasuuqay meelo ay ka mid yihiin Sidaamo, Arsii iyo gobolka Hererge, sidaa darteed waa inaynu waxaas oo dhan kala shaandhayno oo aynu soo saarno sida ay kala ahaayeen xisbiyada siyaasadeed iyo sida ay kala ahaayeen Ololihii cadaa iyo Ololihii casaa, runtii dadka ku dhintay ololihii casaa aad bay tiradoodu u yar tahay. 

Laakiin meesha ay dadka tirada badani ku dhinteen waxay ahaayeen Adis-ababa, waayo tusaale ahaan dadka la tiro koobay ee sawiradoodii la soo saaray waxay ahaayeen inka badan ilaa 300 oo qof, liiska dadkaasina waxa uu yaal xafiiska dawladda hoose ee Adis-ababa. Sidoo kale gobolada kale oo dhan tirada dadka ah ee ku dhimatay aad bay u yarayd, waayo tusaale ahaan meelaha ugu badan waxa laga helay meel 5 qod, meel 10 qof, meelna 20 qof. Sidaa awgeed aniga waxay ila tahay cidda leh ololaha cas baa wax lagu dhameeyey ee rabta inay barabogaando caynkaas ah faafiso waa Wayaanaha (Tigreega), taas oo ay Tigreegu doonayaan inay baragabagaandada ololaha cas u adeegsadaan arimohooda siyaasadeed, taasna waxa u suurta gelisay dadkii rayidka ahaa ee duufaankii ololihii casaa kala kulmay dhibaatada iyo waqtiga oo u saamaxay inay xadhig maleegaan. 

Laakiin dadka rayidka ah ee uu iyagana duufaankii ololihii cadaa dhibaateeyey waxay ila tahay inay iyaguna waqtigooda heli doonaan. Hase yeeshee waxay iswaydiintu tahay imisa qof ayaa rumaysan karta marka loo sheego wax aanay arag oo maqal, laakiin miyey meesha ku jirtaa in been-abuur intaa le’ek dusha la iska reebaa, sidoo kale dadka waxaa ka sheekeeyaa xagee bay ka soo mala-awaaleen ama ka soo qoraan waxan ay ka sheekeeyaan.

Ganat: laakiin marka la isu wada geeyo dadka la laayey imisa ayey gaadhayaan?

Mingistu: Kacaanka bilowgiisii dalkayaga dhiigii ku daatay marka la soo hadal qaado ololaha cad iyo ololaha cas cidda ku nafwayday ee muwaadiniinta Itoobiya ah waxa weeye xusuus murugo leh, laakiin marka la eego dareenka ka dhasha murugadaa waxa haboon in dib loo daymoodo cidii adeegsanaysay hab siyaasadeedkaa iyo cidii doonaysay inay dadka turub ku ciyaarto, balse aniga waxa iiga muuqatay arintaa iyada ah inay ahayd hub ay adeegsadaan, loona noqonayo su’aalaha ah IHABA-du maxay ahayd ?, yey ahayd cidda ka soo horjeeday iyo waa maxay waxa ay ka dhalatay IHABA-du?

Laakiin inta doonaysa inay ogaato arimaha caynkaas oo kale ahi waa inyar oo kooban. Waayo waxa la yaab leh adiga (Ganat) laftaada sida ay wax waydiintaadu tahay marka la eego u malayn maayo inaad rumaysan doonto xaqiiqda, isla markaana waxa dhici karta inay cidiba rumaysan waydo xaqiiqda, waayo marka laga hadlayo ama la sheegayo dadka dhintay inta ay tiradoodu tahay, dadka qaar waxay ku sheegaan ama ka dhigaan boqol kun oo qof, qaar kalena waxay ka dhigaan toban kun oo qof, sidoo kale maxkamadda Wayaanuhu 5 ilaa 6 kun ayey sheegaysaa. Hase yeeshee anigu marka aan isu geeyo labada dhinac-ba (ololaha cad io ka cas) dadka ku dhintay is-malihi laba kun oo qof bay gaadhayaan. Tusaale ahaan magaalada Adis-ababa ayey ahayd meeshii la lahaa dad badan baa ku dhintay, waayo sannadkii 1976-kii muddo saddex bilood ah ayey dagaaladu aad uga socdeen, waxaana labada dhinac-ba maalintii ka dhiman jiray ilaa 10 qof ugu yaraan, sidoo kale marka Adis-ababa laga yimaado meesha kale ee ay iyana dadka badani ku dhinteen waxay ahayd gobolka Kafa, gaar ahaan magaalada Jima gudaheeda, halkaasna IHABA-da ayaa ku lahayd koox aad u adag, sidaa darteedna maalin walba dad bay layn jireen. 

Ta kale ma jirin xoog kale oo anaga na laynayey ee IHABA-da ayey ahaayeen kuwii maalin walba maydadka dadka sida caleenta geedka dhulka ugu daadinayey. Tusaale dhinaca waqooyi galbeed, gaar ahaan magaalada Bahar-daad waxay IHABA-du ka samayn jireen dhaqdhaqaaqyo kul-kulul. Sidoo kale gobolka Hererge, gaar aan magaalooyinka Harar iyo Dirir-dhabe IHABA-du waxay ka samayn jireen hawl-galo, sidoo kale Goondar gudaheeda xiliyadii dambe ayey bilaabeen inay dadka ku dilaan. Laakiin hadii aynu eegno magaalooyinka kale ee Itoobiya waxa ka mid ah meelaha dadka lagu laayey magaalada Naasareet...

La soco cadadka dambe.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. GARAS

Halkani waa Raadyow Maqaloocshe oo dee aad ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban.

Akhristayaasha indhaha kuus-kuusanow marka hore Ciid Mubaarik iyo ciid wanaagsan, haatana waxaynu soo gaadhnay amintii aan idinka waraabin jiray warkii dunida, waxaana maanta idinku lisi doona weriye Mr. War-ciid.

Warkii oo fadhiya
Kulan la sheegay in l.agu kuududinayo war-sheegyada dalka oo ay isugu yimaadeen caqaar ka mid ah marduufka warboobayaasha dalka ayaa subax dhoweyd ka dhacay dergad ku taala maqaaxida Miim Siim.

Kulankaas waxa harraatidii ugu horraysay ku furay Wasiirka wasaaradda warsheegyada Mr. Weriye-Wasiir oo sheegay inuu caashaqsan yahay in warsheegyada la mideeyo.

Kulankan oo la sheegay in wasaaradu kaari ka ahayd waxa lagu soo rakaabiyay rag warboobayaal ah, kana kala yimid qaar ka mid ah macdaarada warsheegyada siiba kuwa dawladdu qodato.

Raadiyowga oo aan shirkaas raaf-gelin, laakiin xantu waxay sheegaysaa in qaradka kulanku yahay samaynta NGO saxaafadeed, iyo in lagu ansixiyo sharci lagu surmaynayo war-sheegyada dalka, sharcigaas oo indhowaaleba wasiirku la kuutinayay oo uu doonayay inuu ka ansixiyo haddana la tiigsado. Amuurtaas waxa gadhka ka laaday urur dhako bannaan leh oo NGO-nimadii beri hore loo sameeyay, ururkaas oo ka xarragooday ka qaybgalka kulankaas ayaa war uu soo saaray ku sheegay in shirkaasi yahay mid xaqanaas oo aanu reer warboobe ka dhaxayn, ururka ay samaystaana lafahooda ayay u samaysteen, sharciga ay ansixiyaana maryahooda ayay u samaysteen.

Kulankaas waxa isna khudbad kuusan ka saydhiyay hoggaanshaha xisbiga Gacma-Dheere oo yidhi inta ragu kala baxay maaha in dawladdu ururo nabnabto.

Si kasta ha ahaatee, saxaafadda dalka oo u samaysan in dalkana ay ilaaliso dadkana wargeliso ayaa waxay naxdin joogto ah ku noqotay mas’uuliyiinta Dawladda ee ku jaho-wareersan sida uu u shaqeeyo hannaanka beelo dimuqraadiyayshan saystam, iyadoo mas’uul-badowga markay saxaafaddu qanjiidhiso yidhaahdaan qidhim laga siiga yaa xidh-xidha. Inkastoo laga yaabo in saxaafadduba marmar iyo dhif khashiimid isticmaasho, laakiin waxay muddakar ku yihiin qaranimada iyo u yeedhyeedhida nabadda.

Saxaafadda oo kala ah mid dawladdu leedahay oo koofiyad leh iyo mid shicibku leeyahay oo dhako bannaan ayaa haddana waxa soo baxaysa in saxaafaddii dawladdu is yeelyeesho oo kuwii shicibka dhex raqlayso, iyagoo kuwo shicib ahaana la biqleeyeen.

Kulankan oo ahaa waragshaab lala madowsaday ayaa la sheegayaa inuu yahay mid ku kooban dukaamadooda oo keliya.

Hargeysa
Ceelka Hargeysa ayaa laga naqeeyay Haydh-tuule jadiid ah, kadib markii golaha deegaanku fara-gorgor ku doorteen isaga iyo wehelkiisiiba. Ninkaas oo ka mid ahaa ragii dhowaan xisbiyada ku xooloobay, una ciyaarayay naadiga UDUB-le, wuxuu ku Haydh-tuuloobay koob iyo labaatan farood oo caashaqii cirka loogu taagay, halka ninkii la hirdamayayna laba farood lagu quusiyay.

Haydh-tuulayaasha waayadii hore madaxtooyadaa laga soo waaridi jiray, laakiin kani waa kii ugu horreeyay ee suuqa laga soo xamaalo.

Haydh-tuulayaashii hore oo badankoodu dheg-xumo kala tegi jiray kursiga, iyadoo uu ku soo beegmay xilli magaalada wadeecadu dilootay, oo dadkuna dhulkaba gacanta ku sito, oo qof kastaaba baloodh tuurta ku sito, iyadoo badhisaabka magaaladuna yahay qaadka dadarta iyo jibiska, faraawilka ugu badan ee magaalada qurxiyayna uu yahay xashiishka iyo bacaha, iyadoo dadkuna hortiisa dhigto, maamulkuna saaxiib la yahay. Lama oga in Haydh-tuulahani ku xayraami doono iyo inkale.

Guddida deegaanka Gebilay ayaa iyaguna is huluuqsiiyay laba Haydh-tuule, labadaa Haydhtuule oo midba xisbi yahay, waxay faataxo qasan ku rideen doorashadii deegaanka, waxaa laga yaabaa in shillin cirka loogu tuuro Dur iyo Daabac.
Dhegaystayaal maanta oo ciid ah warka intaasaynu kaga baxaynaa, haatana waxaan dabada idiin qaban doonaa bahal gabay ah, waana kan;

Gabay
Gabayga naagtiisu waa heesta biidka ahe, 
Markaan soo habeeyaan sidii haraga jiidaaye,
Ha yeeshee haddii aan hollado,
Waan handhaliyaaye,
Jacaylkii sankaa iga galaan,
Soo hindhisayaaye, 
Marmarbaan sidii ruux hargabay,
Gooha badiyaaye,
Jacaylkaan dibiraybaan haddana,
Daacayaa weliye,
Afartaa intaan soo qasbaday,
Maydin qabadsiiyay,
Qarboosh iyo intaan qurux ku ladhay,
Qabax ma soo siiyay,
Qalqaloocsanow bahalku,
Saw gabay qudhiis maaha,
Qardadicinta laygama badshiyo,
Qariyo buur-jiidhe,
Qafqafbaaba laysugu lumee,
Maan qac kaga siiyo,
Saxaafadda haddii suuq madow,
Looga dhigo saylad,
Nin waliba siduu rabo,
Hadduu ugu safaadaayo,
Urur calal ah, suxufiyiin cun-cun ah,
Sharaf la ciideeyay,
Nimankii cambaaraha lahaa, caabuqa iyo suuska,
Nimankii saxaafadda cunee laga cadhoon waayay,
Can labeeblayaashii horaa loo cumaamadaye,
Camaalaqa waxay uga dhigeen calaf ku doon-doone,
Waxay cali-Ayaanliyo Asliyo,
Culimadii maagtay ee ay ciid ku soo saydhisaan,
Yara cadhoodaaye,
Bal maad wiilka caanka is biday,
Ciiro ku asqaysid,
Ama kuwa ciroolaha eryada,
Cagaf jiidhsiisid,
Ama cuurka madaxnimo is qoray, 
Fidisid ceebtooda,
Cajiibay xagee baad aniga igula soo ciirtay.

Top


Hambalyo Aroos

Mustafe Xasan Nuur, Axmed C/Laahi Muxumed, C/Rashiid C/Raxmaan C/Laahi, Mustafe Cali Ismaaciil, Axmed Cumar C/Laahi, M/Rashiid Muxumed Faarax, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan

Yuusuf Ismaaciil Seed Iyo
Nuura Axmed Aw Cabdi

Oo Arooskoodu Xalay Ka Dhacay Magaalada Hargeysa Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Inay Noqdaan Kuwii Isku Raaga Ubad Khayr Qabana Kala Hela Aamiin.

Hambalyo Aroos

Hooyo Saxarla Diiriye Bulxan, Cali Axmed Aw Cabdi, Nimco Axmed Aw Cabdi, Aamina Axmed Aw Cabdi, Farduus Axmed Aw Cabdi, Raxma Axmed Aw Cabdi, Xaawa Xasan Ismaaciil, Maryan Muxumed Cawaale, Kaltuun Muxumed Cawaale, Nasri Cabdi Yaasiin, Sacda Ciise Muxumed, Naasir Cabdi Yaasiin, Maxamed Axmed Xasan, Jaamac Maygaag Samatar, Waxay Hambalyo Iyo bogaadin u dirayaan

Yuusuf Ismaaciil Seed Iyo
Nuura Axmed Aw Cabdi

Oo Arooskoodu Xalay Ka Dhacay Magaalada Hargeysa Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Inay Noqdaan Kuwii Isku Raaga Ubad Khayr Qabana Kala Hela Aamiin.

Top


Hambalyo

Boqor Maxamuud X. C/Laahi Cali Wuxuu Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaa Maayarka Cusub Oo Ee Hargeysa Loo Doortay Oo Uu Yidhi Waxa Tahay Maayar Cadaalad Iyo Dimuqraadiyad Ku Soo Baxay, Waxaanu Jecelnahay In Ilaahay Xilka Kuu Fududeeyo. Aamiin.
.......................................

Hambalyo
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf Anigoo Ku Hadlaya Magaca Wasaaradda Caafimaadka Iyo Shaqada Waxaan Hambalyo U Dirayaa Madaxweynaha Jsl Dhamaan Dadweynaha Reer Somaliland Oo Ku Aadan Ciidal Adxaa, Waxaan Ilaahay Ka Rajaynayaa In Sanadkan Sanadkiisa Inagu Sugo Bash Bash Iyo Barwaaqo. Aamiin.
............................................

Hambalyo
Anagoo Ah Xubnaha Magacyadoodu Hoos Ku Xusan Yihiin Waxaan Hambalyo Iyo Bogaadin U Diraynaa Maamulka Cusub Ee Golaha Deegaanka Hargeysa, Siiba Maayarka Iyo Ku Xigeenka, Eng Xuseen Maxamed Jiciir Iyo C/Raxmaan Yuusuf Axmed, Waxaana Ugu Ducaynaynaa In Ilaahay Ku Asturo Xilkaas Qaran Ee Culus. Aamiin.

Axmed Cusmaan Xanduleh, C/Laahi Cumar Maxamed, Axmed C/Raxmaan Faarax, Siciid Mire Sh. Yoonis, Khadar Cumar Maxamed, Jamaal C/Raxmaan Faarax, Caydaruus C/Raxmaan Faarax

............................................

Hambalyo
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf Anigoo Ku Hadlaya Magaca Wasaaradda Caafimaadka Iyo Shaqada Waxaan Hambalyo U Dirayaa Madaxweynaha Jsl Dhamaan Dadweynaha Reer Somaliland Oo Ku Aadan Ciidal Adxaa, Waxaan Ilaahay Ka Rajaynayaa In Sanadkan Sanadkiisa Inagu Sugo Bash Bash Iyo Barwaaqo. Aamiin.
............................................

Hambalyo
Anagoo Ah Xubnaha Magacyadoodu Hoos Ku Xusan Yihiin Waxaan Hambalyo Iyo Bogaadin U Diraynaa Maamulka Cusub Ee Golaha Deegaanka Hargeysa, Siiba Maayarka Iyo Ku Xigeenka, Eng Xuseen Maxamed Jiciir Iyo C/Raxmaan Yuusuf Axmed, Waxaana Ugu Ducaynaynaa In Ilaahay Ku Asturo Xilkaas Qaran Ee Culus. Aamiin.

Axmed Cusmaan Xanduleh, C/Laahi Cumar Maxamed, Axmed C/Raxmaan Faarax, Siciid Mire Sh. Yoonis, Khadar Cumar Maxamed, Jamaal C/Raxmaan Faarax, Caydaruus C/Raxmaan Faarax

Top


Waadiga Ciyaaraha

By: Abdifatah M. Aidied

Michael Jordan (The Airman): Rikoodhka Cusub Ee Uu Dhigay Ciyaartiisii Ugu Dambaysay Ee Uu Kaga Fadhiisanayay Ciyaaraha

Atlanta (Reuters): Xidigga caanka ah ee kubadda Koleyga Michael Jordan ayaa ciyaar ay ka qaybqaataan sannadkiiba mar, xidigaha ugu cadcad tartanka kubadda Koleyga ee Wadanka Maraykanka oo loo qaybiyo laba kooxood oo Bari iyo Galbeed ah ka qayb qaatay, taas oo xilliciyaareedkasta la qabto badhtankiisa aadna loo xiiseeyo oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u farabadan.

Ciyaartaas oo wejigii ay lahayd ee ahay in ay xidigaha sannadkan ugu cadcad tartanka NBA-du soo bandhigaan ciyaartooda, ay isku bedeshay mar keliya in ay noqoto ciyaar ay ahmiyadeedu noqotay sii sagootiska xidiga weyn, uguna caansanaa sannadihii sagaashanaadkii iyo ilaa maanta Michael Jordan, kadib markii ciyaartoy ka mid ahaa kooxda metelaysay kooxaha Bariga dalka Maraykanka Vince Carter uu go’aansaday inuu siiyo Jordan fursadda bilowga ciyaarta inuu ku bilaabo halkiisii, taas oo ahayd mid qiime weyn u lahayd Jordan iyo taageerayaashiisa goobtaa isugu yiimd oo iyaguna aad u doonayay fursaddan in ay nasiibkooda noqoto in ay ka qaybqaataan.

Jordan waxa uu ku celceliyay, xataa intii aanay ciyaartu bilaabin in aanu doonayn inuu ka mid noqdo ciyaartoyda bilaabaysa ciyaarta, balse ay bilaabaan ciyaartoyda ay taageerayaashu u codeeyeen ee fursaddan lahaa.

"Ciyaartoydani, iyagaa mutaystay in y bilaabaa," ayuu yidhi Jordan ciyaarta ka hor.
Ciyaartoyda Tracy McGrady iyo Allen Iverson, ayaa labaduba u fidiyay Jordan inuu kaalintooda ka galo oo uu ka mid noqdo kuwa ciyaarta bilaabaya, balse wuu diiday.

Laakiin Ciyaartoyga Carter, ayaa isagu u fidiyay Jordan inuu halkiisa ka ciyaaro oo uu ka mid noqdo ciyaartoyda shanta ah ee ciyaarta bilaabaya, iyadoo uu Jordan xilli-ciyaareedka sannadkan uu ciyaaray 15-ciyaarood oo keliya. Carter, waxa uu sheegay in aanay cadaalad xaq u lahayn in taageerayaasha isaga doortay inuu ka hadho, balse isagu siinayo fursadan. 

Daqiiqado ka hor ciyaartaa, ayaa lagu dhawaaqay in Jordan ka mid yahay ciyaartoyda lagu bilaabayo ciyaarta dhinaca kooxaha Bariga Maraykanka.

"Go’aankaygu waxa uu ahaa in aan bilaabo ciyaarta" ayuu yidhi Carter. "Wax yar kadib, ayaan fekeray inta aan fadhiistay keligay oo aan idhi ‘Hey, ciyaartani waa ciyaartiisii ugu dambaysay Jordan, waxaanu ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa. Markaas ayaan go’aansaday in aan ka faa’iidaysto fursadan oo uu Jordan booskayga ka ciyaaro," ayuu ku daray Carter.

Michael Jordan, waa markii 14aad ee uu ka qaybqaato ciyaarahan "NBA All-Stars," waana ciyaartii ugu dambaysay ciyaaraha, waxana uu ka mid noqday ciyaartoydii ciyaaraha bilowday, iyada oo ay taageerayaashii joogay garoonku aad ugu sacabinayeen. Jordan, waxa uu ciyaartii ku bilaabay si aad u xamaasad badan, inkastoo uu 7-dii jeer ee ugu horeesay ee uu kubadda ku tuuro Riinka la waayay, haddana waxa uu u baahnaa keliya 10 dhibcood si uu u dhaafo rikoodhkii hore ee uu lahaa Kareem Abdul-Jabaar oo ku haystay rikoodhkaa 251 dhibcood, balse waxa uu Jordan ciyaartan dhaliyay 20-dhibcood, iyadoo kooxdiisii uu u ciyaarayay lagaga badiyay 155-145, kadib markii laba jeer wakhti dheeraad ah lagu daray, haddana isaga (Jordan), waxa ay u noqotay farxad dheeraad ah, waxaanu halkaa ku jebiyay rikoodhkii hore, isagoo noqday hogaanka dhibcaha ugu horeeyay ciyaaraha NBA All Stars intii la ciyaarayay oo dhan, waxana dhibcihiisa uu ka urursaday ee uu ku hogaaminayo noqdeen 262 dhibcood.

Ciyaartan oo ahayd mid aad uga duwanayd ciyaarihii hore, waxa ay aad u farxad gelisay Jordan, taas oo badhtimihii ciyaarta ay ka qayb-qaateen kooxo fannaaniin ah oo ay ka mid ahayd fannaanada Mariah Carey, waxaanay fannaanadaasi ugu hambalyaysay heesteeda la yidhaa "Hero" oo macnaheedu yahay "Geesiga" taasina waxay keentay in ay sawaxanka joojin waayaan dadweynihii daawanayay oo uu hadli kari waayo Jordan muddo laba daqiiqadoo ah oo ay cagaha la dhacayeen kuraasta iyo sacab, iyagoo weliba ku dhawaaqayay magaciisa "Jordan..Jordan" Balse markii dambe ay u suurto gashay inuu hadlo, waxaanu sheegay inuu u riyaaqsan yahay go’aankiisan ka fadhiisiga ciyaaraha.

"Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa reer kayaga oo sannado badan igu garab taagnaa si aan u gaadho riyadayda ahayd in aan kubadda koleyga ka gaadho meel wanaagsan," ayuu yidhi Jordan, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; "Waxa aan ciyaarta kaga tegayaa gacmo wanaagsan."

"Weli waxa ciyaaraha ku jira xidigo badan, kuwaas oo ah ciyaartoy aad iyo aad u wanaagsan oo ciyaaraya ciyaar heerkeegu sareeyo," ayuu yidhi Jordan isagoo ka hadlaya jiilka ka dambeeya ee imika kubadda koleyga ee tartanka NBA-da ka ciyaara, waxaanu raaciyay intaa oo uu yidhi; "Waxaanse kaga tegayaa hawshaa Dr. J iyo ciyaartoyda kale ee waaweyn, taas oo anigana ay igaga tageen ciyaartoydii iga horeeyay sida Magic Johnson iyo Larry Bird, waxaanan kaga tegayaa dhammaan xidigaha halkan jooga oo dhan."

Jordan waxa uu hore uga fadhiistay ciyaaraha laba jeer, balse dib ayuu ugu soo laabtay ciyaaraha. Laakiin markan waxa sababay ciyaaraha inuu ka fadhiisto dhaawac ka soo jilibka, iyadoo uu bishan dhammaadkeeda uu Jordan u dabaal-degi doono sannad-guuradiisii 40aad, waxaanu sheegay Xidigani in wakhtigan aanu dib ugu soo laaban doonin, isagoo garoonka kaga baxay sacab iyo sawaxan aad iyo aad isu qabsaday oo ay jamhuurkii halkaa joogay iyo ciyaartoydii goobta ku sugnaa u tumayeen.

Jordan, waxa uu noqday ciyaaryahanka ugu caansan adduunka, isagoo urursaday jaa’isad kasta oo ay ciyaaruhu u fidiyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin 5-jaa’isadood oo ah tartanka NBA-da (MVP), 6- jaa’isadood oo ah kuwa lagu bixiyo ciyaaraha Playoff (Playoff MVP) iyo 3-jaa’isadood oo ah All-Star MVP iyo laba biladood oo dahab ah oo ka qaatay Olympic-ka adduunka.

Ciyaartan habeen hore oo ku soo beegan wakhti ay Dawladda Maraykanku ku jiro xaalad degdeg ah oo ammaan la adkeeyay, waxa garoonkan ay ciyaartu ka dhacaysay loo ilaalinayay si aad iyo aad u adag, taas oo jewigii ciyaartu ku dhammaaday mid nabadgelyo ah.

Top