Dood Ku Saabsan Xuquuqda Siyaasiga Ah Ee Dadka Laga Tirada Badan Yahay
Culimaa’udiinka Iyo Madaxda Maamulka Burco Oo Fagaarihii Tukashada Salaada Dood Diiniya Fooda Isku Daray
"Haddii Uu Jiro Qof Madaxweyne
Rayaale Qabiil Ama Gobol Ku Raacay Anigu Waan Ka Soo Horjeedaa,
Waayo..."
"Dastuurka Waxa Ku Jira Qodobo Iska Wada Hor Iyo Daba Imanaya, Waxaanad Moodaa In Qof Loogu Talogalay"
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Booqasho Ku Jooga Finland
Qorshe Ku Aadan Ciraaq Oo La Soo Hordhigay Golaha Amaanka
Dawladda Maraykanka Oo ka warwarsan Nuclear-ka Iiraan
Magaalada London oo Amaankeeda Aad Loo Adkeeyay
Usaama Bin Laden Oo Ugu Baaqay Muslimiinta Inay Ka Hortagaan Weerarka Uu Maraykanku La Maagan Yahay Ciraaq
14 Xujaaj Ah Oo Ku Dhintay Dhagax-Tuurashada Muna
Ceebtii Maahee Waa Caadadii
Odhaahda Akhristaha
Haku saxan siyaasadda
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
IRMAANTA SUUGAANTA
Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde |
|
Dood Ku Saabsan Xuquuqda Siyaasiga Ah Ee Dadka Laga Tirada Badan Yahay
|
Hargeysa (Haatuf): Aqoon iswaydaarsi lagaga doodayey xaquuqda dadka laga tirada badan yahay ee reer Somaliland oo ay ka qayb qaateen inka badan 30 xubnood oo ka kala socday hayadaha samafalka caalamiga ah, NGO-yada wadaniga ah, garyaqaano sharci, mudanayaal baarlamaanka ah iyo dad kale ayaa Axaddii toddobaadkan lagu soo gebagebeeyey hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.
Aqoon iswaydaarsigan oo ay soo qaban-qaabiyeen xubno ka mid ah mudanayaasha labada gole ee baarlamaanka Somaliland oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay, isla markaana ay gacan ka geysatay hayad samafal caalami ah oo magaceeda la yidhaahdo ICO, waxa uu socday muddo laba bilood ah waxay ka qayb galayaashu ku lufo gureen xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka aasaasiga ah, iyadoo si gaar ah farta loogu fiiqay marxaladda siyaasiga ah ee lagu jiro sida loo ilaalinayo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee ay uga dhex muuqan lahaayeen kaalinta siyaasadda, taas oo la sheegay inaanay dadka laga tirada badan yahay wax kuraas ah ka helin doorashadii golayaasha degaanka ee dhowaan dalka ka dhacday. Sidaa awgeed aqoon iswaydaarsigaa nuxurkiisu waxa uu ahaa sidii hadda iyo mustaqbalkaba loo ilaalin lahaa xuquuqda siyaasiga ah iyo xuquuqaha kaleba sidii loo ilaalin lahaa, gaar doorashooyinka baarlamaanka iyo wixii la mid ah, iyadoo ay xubnaha mudanayaasha ah ee beelaha laga tirada badan yahay ee aqoon iswaydaarsiga ka qayb galay walaac weyn ka muujiyeen distoorka iyo xeerarka dalka oo ay ku tilmaameen kuwo aan dhiirigelinayn xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, waxayna ku doodeen in loo baahan yahay in dib loo eego distoorka iyo xeerarka dalka u yaal.
Ugu dambayn waxa gebagebadii aqoon iswaydaarsigaa urur cusub oo loo bixiyey Xaq-aoor.
Top
Culimaa’udiinka Iyo Madaxda Maamulka Burco Oo Fagaarihii Tukashada Salaada Dood Diiniya Fooda Isku Daray |
Burco (Haatuf): Culimo-udiinka iyo madaxda maamulka dawladda ee magaalada Burco ayaa shalay dood kulul foodda isku daray garoonka kubadda cagta, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne badan oo isugu soo baxay tukashada salaadii ciidda Carafo oo shalay dunida islaamka laga tukaday, waxayna doodda dhexmartay culimo-udiinka iyo madaxda maamulku ka dhalatay, ka dib markii ay qaar ka mid ah culimada diinta iyo xubno salaadiin ahi fagaarihii la isugu soo baxay kala dhex-kaceen khudbado ay si ba’an ugu dhaliilayaan dawladda iyo hayadaha samafalka ee Ajnebiga ah, taas oo ay culimadu hayadaha ajnebiga ah ku eedeeyeen inay ku talaabsadeen falal iyo dhaqamo diinta islaamka ku lid ah, ka dibna ay madaxdii maamulku iyaguna isla fagaarihii tukashada kala dhex-kaceen khudbado ay iskaga difaacayaan eedaha ka soo yeedhay wadaadada diinta islaamka.
Sida uu ku soo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan ayaa u soo waramay inay doodda halkaa ka dhalatay waxay sababtay in dadkii ku tukanayey garoonka kubadda cagta ay muddo saacad ah tukashadoodu ka dambaysay dadkii ku tukanayey masaajidada iyo meelaha kale, waayo khudbadaha arintaa ku saabsani waxay bilaabmeen ka hor salaadda, ka dibna waxay noqdeen dood muddo socotay.
Suldaan Maxamuud Guuleed Mire ayaa ka mid ahaa raggii arintaa ka hadlay, wuxuuna yidhi "Hayaduhu inay dhaqan dalka ka wadaan waa hubaal, xukuumaduna taa way ogtahay, anaga ayaan hayna cadaymihii, sida buugaag ay wasaaradda waxbarashadu qaybisay, laakiin ma garanayo cid wax ka qabanaysa, waayo xukuumaddu waxba kama qabanayso, laakiin way jiraan hayado wax noo qabta sida kuwa miinada naga gura."
Laakiin badhasaabka Burco, Cali Cabdi Hurre ayaa arintaa jawaab ka bixiyey, wuxuuna yidhi "Hayaduhu wax badan bay qabtaan, waxaana ka mid ah waxyaalaha ay qabteen iskuulo oo ay dhiseen, laakiin marka aynu buug yar helno ma aha inaynu nidhaahno hayadaha naga baxa ee waa inaynu hubsanaa, waayo hayadaha oo qudha ma aha cidda dhaqan-xumada keena ee caruurteena debedaha laga soo celiyo ayaa iyana dhaqan xumada keena".
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay maayarka Burco, Maxamed Diiriye Xayd, isaga oo waxoogaa warbixin ka bixiyey xaaladda maamul ee dawladda hoose, isaga oo wax ka xusay mushkiladaha maamulka dawladda hoose horyaal.
Arinta doodda dhalisay waxay ka dambaysay markii buugaag ay dhowaan wasaaradda waxbarashada Burco oo ay hayad samafal ahi ku deeqday laga dhex helay buug yar oo la sheegay inuu yahay Baybal (Masiixi).
Top
"Haddii Uu
Jiro Qof Madaxweyne Rayaale Qabiil Ama Gobol Ku Raacay Anigu Waan Ka
Soo Horjeedaa, Waayo..." |
Waraysi Khaas Ah - Guddoomiye Xigeenka 2aad
Ee KULMIYE (Marwo Siraad Cali Yuusuf)
Hargeysa (Haatuf): "Run ahaantii marladda aynu maanta maraynaa waa
mid aad iyo aad u adag, laakiin odhan maayo..", sidaa waxa tidhi,
Siraad Cali Yuusuf oo ah gudoomiye-kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE oo
uu wargeyska Haatuf la yeeshay waraysi khaas ah oo ay labada dhinac
(Wargeyska & Marwo Siraad) isku waydaarsadeen su’aalo badan iyo
jawaabahooda, iyadoo uu waraysigaa marwo Siraad wax lagaga waysiiyey arimo
dhinacyo badan leh, sida dhaliilihii iyo sawaxankii badnaa ee ka soo baxay
natiijadii doorashadii golayaasha degaanka iyo guud ahaan wacyiga
siyaasadeed ee xiligan dalku marayo, taas oo ay Marwo Siraad dhaliilo iyo
canaan is huwan u leexisay dhinac hogaanka sare ee dalka.
Marwo Siraad Cali Yuusuf waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaa gobolka Awdal,
isla markaana waa gabadha keliya ee ay marka la eego dhinaca axsaabta iyo
haweenka Somaliland haysa mansabka ugu sareeya ee siyaasiya, iyadoo ah
gudoomiye-kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, waxaana waraysigaa
su’aalaha la waydiiyey ka mid ahaa waxa ay ka aaminsan tahay aayeheeda
siyaasadeed iyo goorta ay go’aansatay inay siyaasadda gasho, wuxuuna
waraysigaasi u dhacay sidan:
S: Shir-jaraa’id oo aad maalin dhowayd qabatay waxaad ku sheegtay inay
cadaalad daro u dhacday doorashadii maayarada ee gobolka Awdal, taas oo
madaxweynahana wax ka saartay, bal arintaa tafaasiil ka bixi?
J: Gobolka Awdal waa afar degmo, laakiin marka la eego afartaa degmo
degmada Baki waxa ka soo baxay mucaaradka si cadaalad ahna way u dhacday,
degmada Lug-haya waxa la doortay UDUB, Saylac-na, waxa ka dhacday arin
lama filaan ah, waayo golaha degaanku ninkii ay doorteen waa la diiday,
waxaana diiday ninka badhasaabka gobolka ka ah, waayo markii foodkii la
qaadayey labadii nin ee tartamayey nin wuxuu helay saddex xubnood, nin-na
wuxuu helay intii kale, mar kale ayaa hadana foodkii lagu celiyey wuxuu
helay shan xubnood, ka dibna ninkii badhasaabka ahaa ayaa yidhi shirku wuu
xidhan yahay, sidaana wuu kaga yimi, waayo wuxuu sitay laba nin oo uu
jeebkiisa ku sitay cid kula talisayba ayuu markii uu Boorame ku soo noqday
joornaalka ku soo qoray oo uu yidhi waa nimankii helay doorashada maayarka
iyo maayar-xigeenka Saylac, mana jirto cid u footaysay iyo meel looga
footeeyey toona, isla markaana arintaa laguma heshiin, mana jiro Saylac
maamul ka dhisani, laakiin hadii xilka loo tirayo labadaa nin ee uu
badhasaabku sheegay xilkaasi wuxuu noqonayaa xil dawladdu ku khasabtay
dadka, sidoo kale Boorame labada nin ee maayarka iyo maayar-xigeenka
marwada midna waa inaadeerkeed, midna waa inaabtigeed, taasina waa
cadaalad daro, waayo tusaale ninkii UDUB lambarka koowaad ugu qornaa
foodkana runtii hadii goluhu si xaq ah u fadhiisto wuu heli lahaa, laakiin
aad iyo aad baa loogu gefay oo waxa ku dhacday cadaalad daro weyn,
arintaas oo kalena meelo badan oo dalka ah ayey ka dhacday.
S: Dadkii golayaasha degaanka ku soo baxay ee axsaabka ka yimi waxa la
leeyahay markii ay kuraasta fuuleen ayey beelo noqdeen oo siyaasaddii
xisbigaba ku shaqayn maayaan, taas adigu ma aragtay?
J: Taasi way jirtaa wayna ka dhacday meelo badan, taasna waxaa keentay
dadka oo aqoon u lahayn xisbiyada, taasina waxay keentay inay dadku meelo
badan beelo beelo isu raaceen, laakiin runtii taa gobolka Awdal lalamaba
sugin, waayo qabiil iyo qabiil la’aan-ba gobolka Awdal waxa iska
maamushay Madaxweynaha oo meel walba geeyey dad gaar ah oo uu isagu wato.
S: Markii ay doorashadu dhacaysay iyo markii ay natiijadu soo baxdayba
axsaabtu waxay ku dacwiyeen cadaalad daro ayaa dhacday, meelo badana waa
lagu shubtay, adigu sidee baad u aragtaa?
J: Anigu xiligaa gobolka Awdal baan joogay, markaa culays aad u badan bay
na saareen UDUB iyo dawladda oo is-huwani, iyaga oo adeegsanaya ciidankii
iyo gaadiidkii dawladda, laakiin dhinaca ku shubashada marka aad eegto aad
iyo aad bay u badnayd, waayo tusaale ahaan gobolka Awdal kama badna
gobolada kale ee Somaliland, laakiin waxa dhacday gobolka Awdal inuu ka
tiro batay shanta gobol ee kale, taasna inkasta oo la yidhi madaxweynaha
ayaa loo footaynayaa oo ay dad badani footeeyeen, hadana tiradaasi may wax
macquul ah, isla markaana tirada intaa le’ek ee la sheegay marka xaqa la
eego may ahayn dad codeeyey ee wixii waraaqo ahaa ee la qaaday ayuun baa
baaqigii hadhay sanaaduuqda lagu soo guray, masalan waxa dhacday sanduuq
ay ku jirtay 200 oo cod in dhinaca kale laga raaciyey hal, sidaana ay ku
noqotay 1200, sidoo kale hadii ay 500 codaysay waxa lagu daray hal,
waxayna noqotay 1500, arimahaasina wax loo badheedhay ayey ahayd, waxaana
samaynayey UDUB oo adeegsanayey ciidankii iyo awooddii dawladda.
S: Iyadoo ay doorashooyinkii madaxtooyaduna inagu soo fool leeyihiin ayey
dad badani marxaladda wadanku marayo werwer badan ka muujiyaan, markaa
adigu marxaladda siyaasiga ee maan wadanku marayo sidee baad u aragtaa?
J: Walaahay marxaladda aynu maanta maraynaa waxay iigu muuqataa mid aad
iyo aad u adag, waayo marka hore iyadoo doorasho la sugayo ayay ururadii
hadhay cadaalad daro tirsanayaan, taas oo aanay ilaa hadda qancin, cidina
aanay qancin, runtii taasi waa dhibaato adag oo taal. Ta kale ee werwerka
lihina waxa weeye kala saarid la’aanta UDUB iyo dawladda, taas oo ay
hayadihii sharciga ee UDUB iyo dawladda kala saari lahaa ama xakamayn
lahaa awoodda dawladda way ka gaabinayaan taa, sidaa darteed nimankaa UDUB
ee wax boobaya, isla markaana awooddii iyo dhaqaalihii dawladda haysta
runtii anigu werwer weyn baan ka qabaa, waxaase loo baahan yahay in taa
wax laga qabto si aanay dhibaato u dhicin, nimanka ay taladu gacanta ugu
jirtaana ay ilaaliyaan deganaanshaha wadanka.
Ta kale dadka gobolka Sool waa dad reer Somaliland ah, inagamana go’aan,
waana arin siyaasadda debedda iyo ta gudahaba ku fool-xun inaynu maanta
nidhaahno waxaanu dooraynaynaa Madaxweyne iyo Madaxweyne-kuxigeen, iyadoo
ay gobolo maqan yihiin, waayo Madaxweynaha maanta la doorto ee aanay u
codayn reer Sool iyo dadka bariga sanaag Madaxweyne uma aha, sidaa darteed
waa in arinta degaamadaa wax laga qabto, isla markaana laga qaado culayska
la saaray.
S: Adigu dhalasho ahaan waxaad ka soo jeedaa gobolka Awdal, Madaxweyne
Rayaalena wuxuu ka soo jeedaa gobolkaa, markaa maxaad xisbiga mucaaradka
ah u gashay ee aad isaga u taageeri wayday?
J: Horta dadku way kala garaad iyo aragti duwan yihiin, markaa hadii uu
jiro qof madaxweyne Rayaale qabiil ama gobol ku raaci lahaa, anigu waan ka
soo horjeeda, sababta aan uga soo horjeedaana waxa weeye siyaasadiisa oo
aan I raali gelin, hadii ay siyaasadiisa gobolka Awdal tahay iyo hadii ay
siyaasadiisa guud ee wadanka tahayba, iyadoo aan aad iyo aad uga
calool-xumahay siyaasadda uu gobolka Awdal kula dhaqmo, taas oo ay dad
gaar ahi awooddii iyo khayraadkii gobolka ka faa’iidaysanayaan, sidaa
darteed ima ay cajebin siyaasadda uu gobolka Awdal ku maamulayo iyo ta uu
dalka ku maamulayaa, sidaa darteed ayaan u goostay inaan xisbi mucaarad ah
galo.
S: Markii aad go’aansatay inaad xisbi mucaarad ah ku biirto, waa maxay
sababta aad ururka KULMIYE u dooratay?
J: Horta anigu markii hore maan ahayn dadka arimaha siyaasadda xiiseeya,
laakiin dad aanu axsaab nahay oo aanu aad iyo aad isugu dheer nahay,
xisbigana iiga horeeyey ayaa shirkii u horeeyey ee xisbiga lagu furayey
igu casuumay, balse kuma aan soo talo gelin inaan xil ka qabto xisbiga,
laakiin dadkii shirka ka soo qayb galay ayuun baa I doortay, ka dibna
dadkii I doortay ee I sharfay waan diidi kari waayey oo waan odhan kari
waayey idin diiday, sidaas ayaana xisbigii ku galay.
S: Markaa hadda ma ku qanacsan tahay siyaasadda xisbiga KULMIYE?
J: Horta ilaa hadda talo wadaag baanu leenahay, isla markaana ma jiraan
wax aan diido oo iiga muuqday siyaasadda hogaamineed ee xisbiga, hadiise
aan arko wax dhaliil ah aniga oo ka tirsan ayaan hadana jeclahay inaan
farta ku fiiqo hadii aan wax qaldan ku arko siyaasadda xisbiga, laakiin
waxaan ka mid ahay madaxda sarsare ee xisbiga, waana wadayaa hawsha ilaa
aanu natiijada kama dambaysta aanu gaadhayno.
S: Goormaa kuugu horaysay gelidda siyaasadda?
J: Shirkaa KULMIYE ee gudoomiye-kuxigeenka la iigu doortay ayaa iigu
horaysay.
S: Ilaa goorma ayaad is leedahay xadaafiirta siyaasadda ku sii jir?
J: Ilaa hadda sida ii muuqatay waan sii wadayaa hawsha siyaasadda ilaa
waqtigii ilaahay yidhaahdo ee aanu isla gaadhno, xisbi ahaana mar hadii
aan doortay waan ku jiri doonaa ilaa la dhameeyo.
S: Gobolka aad ka soo jeedo ee Awdal taageero miyaad ka haysataa?
J: Xaqiiqdii anigu taageero aad iyo aad u weyn ayaan ka haystaa gobolka
Awdal, waayo inkasta oo uu xisbiga KULMIYE guud ahaan taageero badan ka
haysto gobolka Awdal, hadana gaar ahaan degaanka (reerka) aan soo jeedo
taageeradiisu waa mid aanay u kala hadhin.
S: Hadii doorashada Madaxweynaha la galo gobolka Awdal dad intee le’ek
baad ka filaysaan xisbi ahaan?
J: 70% ayaanu ka filaynaa, waayo marka hore taageero badan ayaanu ka
haysanaa, mar labaadka maanta ma ogolin ku shubashadii hore, maxaa yeelay
iyadoo nala laayo mooyaane maanta waanu soo jeednaa.
S: Laakiin xisbi ahaan hadii aad u safataan tartanka madaxtooyada maxaad
guud ahaan ka filaysaan wadanka oo dhan, guul iyo guul-daro?
J: Marka aan eego taageerada aanu haysano waxaan aaminsanahay inaanu
guulaysan doono.
S: Waxa jirtay arimo aad ku baaqdeen in wax laga qabto si ay doorashadu
xalaal u noqoto, laakiin hadii waxba laga qaban waayo maxaad yeelaysaan?
J: Arintaasi waxay u taal golayaasha sharci-dejinta iyo hayadaha kale ee
ku shaqada leh, laakiin weli wax go’aan ah oo laga gaadhay iyo wax laga
qabtay ma arko, waxaanuse ka war sugaynaa hayadaha iyo cidda arimahaa ku
shaqada lihi waxa ay ka qabtaan.
Top
"Dastuurka Waxa Ku Jira Qodobo Iska Wada Hor Iyo Daba Imanaya, Waxaanad Moodaa In Qof Loogu Talogalay" |
Waraysi Khaas Ah - Guddoomiye Xigeenka Guddiga Doorashooyinka (C/Laahi Jawaan)
Hargeysa (Haatuf): Guddoomiye xigeenka guddida doorashooyinka Qaranka, C/laahi Xaaji Cumar (Jawaan) oo aanu xalay isaga oo jooga gurigiisa kula xidhiidhnay khadka telefoonka ayaa sheegay inaanu qodob dastuuri ah oo musharax madax-bannaan diidaya iyo mid oggolaanaya toona, laakiin arrintaasi tahay mid dhinaca maxkamadaha dastuuriga ah la weydiinayo.
Sidaa waxa sheegay C/laahi X. Cumar oo aanu wax ka weydiinay musharixiinta madaxa-bannaan iyo sida ay u arkaan guddi ahaan, iyagoo eegaya xeerarka iyo dastuurka dalka. Waxa kaloo aanu C/laahi wax ka weydiinay inay ilaa hadda dawladdu siisay kharashkii doorashooyinka iyo inay daabaceen waraaqihii cod-bixinta.
Hase yeeshee, guddoomiye xigeenka Guddida doorashooyinka C/laahi X. Cumar isagoo ka hadlaya musharixiinta madaxa-bannaan wuxuu sheegay inuu jiro xeerka (low number 14) ee guddida diiwaangelinta oo uu tilmaamay inuu xeerkaasi sheegayo inay musharixiinta, ka imanayaan oo keliya ururada ama xisbiyada, laakiin aanu jirayn musharax madax-bannaani, hase ahaatee wuxuu sheegay inaanu dastuurku u oggolaanayn una diidayn inuu jiro musharax madax-bannaani, isagoo xusay inay jiraan qodobo u diidaya iyo kuwo u oggolaanayaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi; "Dastuurku wuu iska wada hor-imanayaa oo waxa ku jira qodobo iska wada daba iyo hor-imanaya oo aad moodo in qof loogu talogalay.
Anagu markii SNM-tu lahayd dastuurku wuu khaldan yahay, waxaan ahaa kuwii arkayay khaladkaa, ee lahaa waxbaa khaldan dastuurka ee hala saxo.
Markaa dastuurka qodob wuxuu leeyahay xisbiyada ayay ka imanayaan musharixiinta, mid kalena wuxuu leeyahay qof kastaa xaq ayuu u leeyahay inuu is sharaxo, ama la doorto, waxna doorto. Sidaa awgeed, dastuurku waa is wada khilaafsan yahay."
Sidaana waxa yidhi C/laahi X. Cumar oo ka hadlayay musharixiinta madax-banaan iyo inay jiraan wax ka hor-istaagaya inay is sharaxaan, laakiin C/laahi wuxuu sheegay in ay dadka noocaas guddi ahaan ahi u direen maxkamadda dastuuriga ahi, si ay ugu fasirto.
C/laahi X. Cumar waxa kaloo la weydiiyay ilaa hadda halka ay marayaan hawlihii doorashooyinku iyo inay dhinaca Dawladda ka heleen kharashkii ay ka sugayeen ee hawlaha agabka doorashooyinka. Laakiin wuxuu sheegay C/laahi inay kharashka qayb ka mid ah dawladdu ku wareejisay, isla markaana ay dalbanayaan khadkii iyo waraaqihii, balse kharashaadkii kale weli ka sugayaan dhinaca Dawladda. Hase yeeshee, C/laahi Jawaan mar l.a weydiiyay inay jiraan warar sheegaya inay dhinaca dawladda weli ku xaniban tahay Lacagtii loogu talogalay doorashooyinka, taasuna ay sababtay inay doorashooyinku u qabsoomi waayaan kharash la’aan oo ay Dawladda khasnadeedii madhan tahay.
Laakiin isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi; "Anaga waxna waa nala siiyay wixii noo hadhayna waa naloo ballan-qaaday, markaa taas war uma hayo."
Top
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Booqasho Ku Jooga Finland |
Helsinki (Haatuf) Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo haatan booqasho ku jooga dalka Findland ayaa kulamo la yeeshay madax ka tirsan dalkaasi.
Faysal Cali Waraabe oo ay booqashadiisa u ku weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID Cabdiraxman Maxamed (Cirro), waxa ay intii ay joogeen la kulmayeen madaxda sarsare ee hogaanka u haysa wadankan Finland iyo dadka reer Somaliland ee ku nool wadankaasi iyagoo uga xog-waramay xaaladda Somaliland iyo sidii ay u dhacday doorashadii deegaanadu, halkaas oo uu xisbigiisu ka mid noqday saddexda xisbi-qaran ee uu xalaaleeyey Dustuurka qaranka JSL.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Findland, Jimcihii lasoo dhaafay oo ku beegnaa 7.2.2003 ayaa Guddoomiyaha iyo Xoghayuhu kulan la yeesheen kaaliyaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee Finland Mr. Tero Shemeikka. isla markaana ka mid ah madaxda sarsare ee Xisbiga dalka taladiisa haya (SDP) oo ay sheegeen in Waxyaalaha ay isla gorfeeyeen ka mid ahaayeen sidii Goob joogayaal Caalamiya loogu diri lahaa doorashada madaxtooyada ee JSL iyo sidii loo kordhin lahaa kaalmada dhaqaale ee wadanka Finland u fidiyo Somaliland.
Sidoo waxa la sheegay in tobankii bishan Feberweri kulan kale Guddomiyaha iyo Xoghayuhu la yeesheen lataliyaha sare ee Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibeda Finland islamarkaana ah Guddoomiyaha Sanduuqa Kaalmada ee International Solidarity Foundation (ISF) Mrs. Tarja Kantola. Sanduuqa ISF wuxuu hadda wadanka ka wadaa mashaariic ay kamid yihiin iskuulo lagu barto farsamada gacanta kuna kala yaala magaalooyinka Hargeisa iyo Burco.
Waxyaabaha la sheegay inay kala hadleen waxaa kaloo ka mid ah in la kordhiyo kaalmada la siiyo Somaliland taas oo ay aqbashay. warku wuxuu intaa ku daray waxyaabaha kale ee ay kala hadleen waxa ka mid ah qadiyada gooni-isutaaga iyo ictiraafka Somaliland in dawladda Finland horgeyso Midawga Yurub.
Waxaana la sheegay inuu sanduuqaasi soo dhaweeyey in laga taageero Somaliland kharashka Goobjoogayaal Caalamiya oo ka qaybqaata doorashada Madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka dhacdo badhtamaha bisha April ee soo socota.
Top
Qorshe Ku Aadan Ciraaq Oo La Soo Hordhigay Golaha Amaanka |
New York (W. Wararka) Dawladaha Jarmalka, Faransiiska Iyo Ruushka ayaa soo hordhigay golaha amaanka qorshe ku waajahan sidii looga badbaadi lahaa weerar lagu qaado ciraaq, isla markaana loo xoojin lahaa hawlaha hub baadhista ee qaramada midoobay ka wado ciraaq.
hindisihan oo dhawr maalmood ka soo horeeyay kulanka la filayo in golaha amaanku ka yeesho xaaladda Ciraaq, oo ay dawladda maraykanku doonayso inay hesho go’aan caalamiya oo u fasaxaya xoog loo adeegsado Ciraaq.
safiirada Golaha amaanka u fadhiya dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Ruushka ayaa dalbaday in hindisahan qoraalkiisa deg deg loo qaybiyo, si ay xubnaha golahaasi uga baaraa degaan.
Dhinaca kalena dawladda Shiinaha ayaa soo dhawaysay hindisahan ka soo yeedhay saddexdaa dal, oo ay ku tilmaantay inuu ka hortagayo dagaal dhaca iyo inuu keenayo sidii xal nabadgelyo loogu dhamayn lahaa xiisada taagan.
waxaa isaguna sii socda khilaafkii gaashaanbuurta NATO ee ku waajahan waxa laga yeelayo muranka u dhaxeeya Maraykanka iyo Ciraaq ee ku aadan baadhayaasha hubka kaasoo u dhaxeeya dawladaha Maraykanka iyo yurub, khilaafkaas oo gaadhay heer ay ku kala jabaan dawladahaasi, ilaa iyo hadda xal looma helin.
waxaana lagu tilmaamay in gaashaan buurta NATO oo la aasaasay kontan sano ka hor inay soo waajahday khatartii ugu waynayd, taasoo khatar ku haysa wada jirka dalalkaasi.
Top
Dawladda Maraykanka Oo ka warwarsan Nuclear-ka Iiraan |
Washington (W. Wararka) Dawladda Maraykanka ayaa muujisay cabsideeda ku aadan in dalka Iiraan u samaysanayo hubka Nuclear-ka oo uu maraykanku ku tuhunsanyahay inay haysato, balse ay dawladda Iiraan sheegto inay u adeegsato ujeedooyin nabadeed oo kaliya.
sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibada ee maraykanku waxa ay ka cabsi qabaan hubka wax gumaada ee Maraykanku ku eedaynayo Iiraan inay haysato oo uu sheegay inay haatan ku samaysnayso horumarin balaadhan.
waxaa uu intaa ku daray in dawladda Ruushku ay ku taageerto Iiraan samaysashada hubka halista ah, balse Ruushka iyo Iiraan ayaa arrintaa dhawr goor beeniyay. hadalka maraykanku waxa uu ka dambeeyay markii madaxweynaha dalka Iiraan uu daboolka ka qaaday in dalkiisu u haysto kayd dhinaca macdanta yuuraaniyamka ah.
dhinaca kale madaxa wakaalada qaramada midoobay u qaabilsan nuclear-ka Maxamed Al-Baraadici ayaa haatan booqasho ku jooga dalka Iiraan isagoo marti qaad ka helay masuuliyiinta Iiraan si uu u hubiyo muranka u dhaxeeya maraykanka iyo Iiraan ee ku waajahan hubka halista ah.
Top
Magaalada London oo Amaankeeda Aad Loo Adkeeyay |
London (W. Wararka) Dawladda Ingiriiska ayaa aad u adkaysay amaanka magaalada London iyadoo laga cabsi qabo weeraro u gaysto ururka Al-Qaacida.
Ciidamo ay tiradoodu dhantahay 450 askari oo ka tirsan ciidamada Ingiriiska ayaa lagu baahiyay magaalada London goobaheeda muhiimka ah iyadoo hawsha ay ka qayb qaadanayaan ciidamada milatarigu markii ugu horeysay tan iyo 1994-kii markaasoo uu isku dayay ururka IRA inuu weerar ku qaado magaalada London.
Goobaha amaankooda aadka loo adkeeyay waxa ka mid ah madaarada iyo goobaha dadku ku kulmaan taasoo ku soo beegantay maalintii shalay oo ay dadka muslimiinta ahi xusayeen ciida barakaysan ee ciidal-adxa gaar ahaana madaarka Hithrew ee magaalada London taasoo keentay in boqolaal qof oo dadka musaafiriinta ahi ay ku xayirmaan halkaasi.
dawladda Ingiriiska oo taageerta dagaalka uu maraykanku kula jiro waxa uu ugu yeedhay argagixisada iyo weerarka uu damacsanyahay inuu ku qaado ciraaq, waxa uu ka cabsi qabaa in kooxo muslimiin ah ay weeraro ku qaadaan iyagoo ka aargoosanaya taageerada uu maraykanka siiyo.
Top
Usaama Bin Laden Oo Ugu Baaqay Muslimiinta Inay Ka Hortagaan Weerarka Uu Maraykanku La Maagan Yahay Ciraaq |
Al-Jazeera - Hogaamiyaha Shabakadda Al Qaacida, Usaama binu Laadin, ayaa ugu baaqay Shucuubta Islaamka ah in ay ka hortagaan weerarka uu Maraykanku la maagan yahay inuu ku qaado dalka Ciraaq.
Usaama binu Laadin, wuxuu sidaa ku sheegay dhambaal codkiisa ah oo ku duuban cajalad uu xalay baahiyay Telefiishanka Al Jazeera, wuxuuna intaa ku daray inuu Maraykanku u tafaxaydan yahay sidii uu u qabsan lahaa Ciraaq, si uu u xaqiijiyo wax uu ugu yeedhay Riyada Sahyuuniyada ee ah dhisida dawlad ballaadhan oo ay Yuhuuddu leedahay.
Hadalkan Usaama binu Laadin, wuxuu ku soo beegmay xilli ay meel ba’an marayso xiisada u dhaxaysa Ciraaq iyo Maraykanka, taas oo kala qaybsanaan weyn ka dhex dhalisay dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub.
Dawladda Maraykanka, ayaa iyadu dhawaanahanba ku eedaysay in uu Sadaam Xuseen xidhiidh la leeyahay Usaama binu Laadin, laakiin Masuuliyiinta Ciraaq ayaa si adag u beeniyay eedayntaas oo ay ku tilmaameen mid uu Maraykanku gabood uga dhiganayo weerarka uu la damacsan yahay inuu ku soo qaado dalkooda.
Hadalkan Usaama ee ugu dambeeyay, ayaa laga yaabbaa inuu Maraykanku eedayntaas qiil uga sii dhigto, iyadoo laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Collin Powel inuu Usaama binu Laadin ku tilmaamay inuu xulufo la yahay Ciraaq, waxaanu sidaa ku sheegay Powel, warbixin uu shalay siinayay Guddi ka tirsan Kongereska Maraykanka oo ku saabsanayd dhambaalka Usaama.
Maaha markii u horeysay ee uu Usaama binu Laadin ugu baaqo Muslimiiinta in ay ka hortagaan facaa’ilka Maraykanka iyo Yuhuudda oo uu ku tilmaamay in ay cadow u yihiin dadka Muslimiinta ah.
Top
14 Xujaaj Ah Oo Ku Dhintay Dhagax-Tuurashada Muna |
Maka (W. Wararka): Ugu yaraan 14 Xujaaj ah, ayaa ku dhintay, qaar kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo, kadib markii uu buuq iyo is-riix-riix ka dhacay goobta Muna oo ay dadka Xujaajta ahi ku dhagax tuurtaan, taas oo u dhow magaalada Maka.
Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Ammaanka Xujaajta, Col; C/casiis binu Saciid, arrintani waxay dhacday markii ay dadka Xujaajta ahi ku soo noqonayeen goobihii ay degenaayeen, kadibna markii ay soo dhammaysteen waajibaadkoodii, taas oo ay iska horyimaadeen Xujaaj kale oo iyadu ka timid jihadda kale, kadibna tirada xujaajtaas oo tiro badnayd awgeed ay qaar ka mid ahi dhulka u daateen, taas oo sababtay in ay goobtii ku qudh baxaan 14 qof.
Taliyuhu, wuxuu intaa ku daray in dadka dhintay ay kal ahaayeen; 3 dumar ah oo reer Hindiya ah; 4 qof oo Baakistaan u dhashay oo ay ku jirto ruux dumar ahi, laba qof oo Masaari ah oo kala ah nin iyo haweenay; nin Yamani ah iyo 2 qof oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la garan.
Warku wuxuu intaa ku daray in dadkii halkaa ku dhaawacmay la geeyay Cusbitaalka, intoodii badnaydna ay ka baxeen iyagoio xaaladoodu ay fiicnaatay ilaa laba qof mooyaane oo iyagu weli dhakhtarka ku jira oo lagu daweynayo. Xaaladdani waxay ku soo beegantay maalin ay dadka Muslimiinta ahi u dabaal-degayaan Ciidal Adxada.
Top
Ceebtii Maahee Waa Caadadii |
Maxamed Ibraahim Sagax
"Ma jiro xeer xukuumaddu saxaafadda u samaynaysaa, waxaana shirweynaha suxufiyiinta ka raali gelinayaa warka been abuurka ah ee uu baahiyey telefishanka Somaliland"sidaa waxa yidhi maareeyaha TV-ga Somaliland ee ay xaruntiisu tahay Hargeysa Muuse Inji, waxaana warkiisa soo xigtay oo daabacay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay Febarweri 10, 2003, sida wargeysku qorayna Muuse wuxuu hadalkaa ka yidhi madashii uu shirku uga socday kooxaha suxufiyiinta ah, laakiin marka la eego waxyaalaha uu Muuse Inji ku dhaliilay Telefishanka uu madaxda ka yahay waxa ka mid ah bayaankii ay soo saareen ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha Somaliland oo ah urur dhowaan la sameeyey, bayaankaas oo ay ku sheegeen inuu shirkaasi yahay mid ay xukuumaddu dabada ka waddo, laakiin waxay iswaydiintu tahay waa maxay sababta uu Muuse Inji hadalkiisa ugu qoray wargeysyada Maandeeq iyo Jamhuuriya ee uga baahin waayey TV-ga uu madaxda ka yahay, balse su’aashaa jawaabteeda waxa looga fadhiyaa Muuse Inji. Ta kale waxa iyana iswaydiintu tahay waa maxay sababta uu Muuse Inji ururkii uu shalay ka tirsanaa maanta u canbaaraynayaa, ururkii uu shalay canbaaraynayeyna maanta u difaacayaa, isaga oo ka mid ahaa raggii safka hore kaga jiray markii lagu dhawaaqay ururka SSJW, markaa miyaanay taasi noqonayn "Ilaahow haa iyo maya meel hanagaga wada yeedhsiin". Laakiin waxay iswaydiintu tahay iyama ayuu Muuse Inji labada goor run sheegayaa.
Dadka wax ka yaqaan shakhsiyadda Muuse Inji ee saaxiibadiisa ahi waxay ku xantaan inuu yahay nin isbebedel badan oo maalin-ba meel ka fad-kudiya, markaa dadka maqlay inuu canbaareeyey ururkii uu shalay ku jiray, isla markaana uu difaacayo ururkii uu shalay canbaaraynayey waxay leeyihiin "Ceebtii ma aha ee waa caadadii", taasna waxaan qabaa in nin weyn looga wanaagsan yahay.
Anigu markii aan eegay shirkii Ming-sing ka socday waxay xaqiiqdu tahay inuu ahaa shir aan loo dhamayn, waxaana taa tusaale ugu filan hawl-wadeenadii laf-dhabarta u ahaa telefishinka uu Muuse Inji madaxda ka yahay aanay qaar badan oo ka mid ahi ka soo qayb gelin, markii aan waydiiyey sababta ay uga qayb geli waayeena waxay ii sheegeen inay shirkaa dabada ka waddo xukuumaddu, iyadoo doonaysa inay saxaafadda u samayso xeer ay ku xakamayso sababta darteedna ay uga qayb geli waayeen. Sidoo kale shirweynaha lagu magacaabay shirweynihii saxaafadda waxa ka maqnaa qaar ka mid ah xarumaha muhimka ah ee saxaafadda Madaxa banaan, sidaa darteed Muuse Inji waxaan odhan lahaa intii ay BBC-duba sheegtay ee ahayd inaanay xubnaha ururka SSJW shirkaa ka qayb gelin hadii ay warbaahinta wadaniga ahina dhinaceeda sheegtay ma hoygii maka ayey gubeen. Sidoo kale waxa iyaduna meesha ka maqnayd kaalintii dadweynuhu ku yeelan lahaa kulankaa, waayo dadweynuhu maadaama ay yihii cidda wax loo qorayo ama loo baahinayo waxay mudan yihiin inay ra’yigooda ka dhiibtaan meelkasta oo lagaga arimanayo waxa loo soo qori doono, taas darteedna waxay ahayd inay dadweynaha meesha cidi ka joogto, balse nasiib daro taasi may dhicin.
Runtii way fiicnaan lahayd in la helo urur kulmiya bah-weynta saxaafadda si ay si xor ah ugu samaystaan xeer anshax, isla markaana ilaaliya xuquuqdooda, balse waxay aniga iigu muuqataa Maan-guracan inay saxaafadda xorta ahi samaynta xeerarkooda anshax ama xuquuqeed u daba fadhiistaan xukuumadda, sidaa darteed waxay aniga ila haboon in horta la kala saaro warbaahinta dawladdu gacanta ku hayso iyo saxaafadda Madaxa banaan oo ay horta qolo waliba ururkeeda iyo mabaadi’deeda gooni u samaysato, ka dibna dood laga yeesho sida ay u bahoobi karayaan mabdi’iyan, iyadoo aanay xaaraan ahayn inay urur ku bahoobaana dad isku mihnad ahi. Laakiin waxay iswaydiintu tahay waa maxay xeerka lagu wada maamulayaa warbaahinta ay dawladdu gacanta ku hayso iyo saxaafadda Madaxa banaan.
Hadal iyo dhammaan hadii la waayo urur mideeya saxaafadda waxa markaa lagama maarmaan noqonaysa inay intii isku feker ahiba samaystaan urur saxaafadeed madax banaan, balse waa inaanay mabaadi’da ururkaasi noqon mid ka hor-imanaysa distoorka iyo xeerarka dalka u yaal iyo xeerarka anshaxa saxaafadeed iyo xoriyatul-qawlka aasaasiga ah, aniga oo saxaafadda uga digaya inay midiidin u noqoto ra’yiga iyo siyaasadaha xukuumadda ee ay noqoto mid mar walba dhexdhexaad ah, isla markaana si xaq ah ugu adeegta danaha dadkeeda.
Maxamed Ibraahin Sagax, Hargeysa.
Top
Caddaalad-Darrada Ha La Iska Ilaaliyo
Waxaan maqaalkaygan kaga hadlayaa aragtidayda shakhsiga ah ee la xidhiidha qaabka loo maamulay doorashadii golaha degaanka Gebilay, taas oo ay hogaaminayaan UDUB oo sidata shaadhq qarsoon, taas oo loo baahnaa in cadaalad wax lagu maamulo, laakiin cadaalad daro wax lagu maamulay. Sidaa darteed waxaan kula talinayaa cidda magaca UDUB sidataa inay iska ilaaliso cadaalad darada, iyadoo ay foodda inagu soo hayso doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka. Sidaa awgeed waxaan ummadda kula talinayaa inay ilaashadaan xuquuqdooda muwaadinimo oo ay iska ilaaliyaan cidii cadaalad daro wada. Laakiin maqaalkaygan waxaan si gaar ah ugu xusayaa xisbiga UDUB oo aan u arko inuu cadaalad daro ka waddo degaanka Gebilay, taas oo aan leeyahay waa arin aan loo baahnayn. Sidaa awgeed shicib-weynaha reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay iska ilaaliyaan iska horkeenka oo ay noqdaan dad u midooba danahooda, waxaana ummadda reer Somaliland ugu ducaynayaa inuu Illaahay siiyo barakada iyo khayrka bishan barakaysan ee aynu ku jirno, isla markaana ay doorashada soo socotaa si nabadgelyo ah inoogu dhacdo.
Muuse Jaamac Cali (Sheekh Ubaxle), Gebilay.
Top
Waxa ayaan daro ah inay raggii la tuhmayey ee Somaliland ay intoodii badnayd ku saxdeen siyaasaddii aynu samaysanay ee ahayd mid aynaan cid kaga dayan ama ay khubaro shisheeye inoo samaysay.
Waxa maalmahan saxaafadda ku badnaa anigaa reer hebel ah, anigaa soo halgamay, hebel baa Siyaad Barre la shaqayn jiray, sidoo kale qaar baa hadda bilaabay waxaan ahay musharax Madaxweyne oo madax banaan. Laakiin marka hore dalku wuxuu leeyahay distoor, distoorkana waxa ka dheegma xeerar wax kala saara, sidoo kale ciddii muran dhexmaro ee tafsiir dastuuriya rabta, sida xeerka diiwaangelinta iyo guddidiisa oo ah qoddob ka dheegmay dastuurka, sidoo kale waxa isna jira xeerka doorashooyinka iyo guddidiisa oo ka dheegmay dastuurka, xeerkaas oo ciddii urur ah ama xisbi ah ama musharax ah kala saara, isla markaana qabta oo ansixiya liisaska musharaxiinta, hadii uu yahay musharax degaan ama musharax Madaxweyne ama Madaxweyne-kuxigeen.
Waxa kale oo iyana jirta maxkamad dastuuri ah oo qaabilsan wixii dastuurka ku saabsan.
Hadaba maanta cidda leh musharax madax banaan oo Madaxweyne ayaan ahay marka hore ha waydiiyeen ha waydiiyeen hayadaha aynu soo xusnay sida ay u noqonayaa musharax madax banaan, isla markaana hadii ay ka dhab tahay ha ogaadeen inay dembi dastuuri ah ku jiraan , hadii ay khalkhal iyo majarahabaabin wadaana waxaan leeyahay hortaa-jireba waa, isla markaana iyana waa dembi.
Ta kale ragga leh hebel Siyaad Barre ayuu la shaqayn jiray ama reer hebel ayaan ahay, waxaan marka hore leeyahay ragga maanta loolanka ku jira oo dhami mid aan Siyaad Barre la shaqayni ma jiro, mid sarkaal u ahaa, mid wasiir u ahaa iyo mid shaqaale kale u ahaaba, markaa waxaan leeyahay waar geel laba jir soo wadamar, isla markaana waxa la yidhi "Dhidar xabaala qodaa wax xun buu uga dhacaa". Sidaa darteed waxa hadaladaa ka haboon in la ogaado inay Somaliland tidhi "Cafalaahu camaa selef", taasina waxay ahayd shirkii Burco 1991-kii, taas oo ay beelaha Somaliland gudoonsadeen. Sidaa darteed wuxuu loolanka siyaasadeed ku wanaagsan yahay xisbigaygu waxaas ayuu qabanayaa iyo waxaas ayuu qabanayaa, iyadoo ninkasta oo doonaya inuu Somaliland xil ka qabto la ogol yahay, hadii uu ninka maanta xilka haya iyo hadii ay mid kale tahayba, isla markaana nin waliba wixii wacan ee uu qabtay iyo wixii xumaan leeyahay waxa markhaati furkeeda leh dadweynaha.
Mudane Maxamed Warsame Jiir, Hargeysa
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 85aad
Mingistu: Dadka Itoobiya ee ay tiradoodu ahayd lixdanka milyan ayaanu anaga oo dawlad ahaan ku shaqaynaynay ka dhex helay toddobaatan kun oo qof oo keliya , markaa inta aan la iska odhan waxa madhay fac iska shan, halay waydiiyo imisa ayey tiradoodu ahayd dadka IHABA, runtii ma jirto cid qudha oo isku dayday inay ogaato inta ay tiradoodu ahayd, sidaa darteed iska dhaaf qaar ka mid ah oo xataa hadii ay tirada ay IHABA-du ka koobnayd oo dhami madhaan, sidee baa loo odhan karaa waxa madhay fac iska dhan oo dhalinyaro ah, waayo xubnaha IHABA-duba waxay ahaayeen tiro yar.
Tusaale ahaan dhinacyada waqooyiga iyo bariga dagaaladii ka socday ma waxa la odhan karaa dhalinyaro badan baa ku dhimatay, taasi ma jirto, waayo xataa taangiyadii, sawaariikhdii iyo miigagii ka dagaalamayey goobaha dagaalka ayaanay ku dhiman dhalinyaro badani, markaa sidee bay magaalada ugu dhinteen. Laakiin mararka qaarkood dadkayagu sheekooyin ayey iska buun-buuniyaan, tusaale ahaan waxay yidhaahdaan "Axmed Guray dhererkiisu wuxuu ahaa 80 dhudhun, seeftii uu sitayna waxay ahayd 40 dhudhun", markaa sheekooyinka caynkaas oo kale ah ee ay sameeyaan ayuun bay tanina la mid tahay, waayo hadii aanay sidaa ahayn IHABA-da ama ururadii kaleba taageerada ama tirada dadka ee ay haysteen marka la eego may ahayn kuwo loogu yeedhi karo ururo, sidaa darteed tijaabo ayuun bay wadeen, waxayna dhamaantood ahaayeen kooxo yar yar oo aan heer urur ama xisbi gaadhsiisnayn.
Ta kale keligood dhalinayradu may taageersanayn ee anaga laftayadu waxaanu lahayn dhalinyaro na taageersan , dhalinyaradaasina waxay ahaayeen kuwo hirgeliyey qorshayaashii beeralayda dhulka lagu siinayey, sidaa darteed hadii ay IHABA-du sheeganayso inay ahayd hogaankii dhalinyarada ma lays waydiiyey cidda ka dambaysay burburkii IHABA-da, waxay ahaayeen dhalinyarada.
Ganat: Adigu dadka berigaa dhintay imisa ayaad leedahay bay tiradoodu gaadhaysaa?
Mingistu: Arimaha in la kala shaandheeyo oo la hubiyo ayaa loo baahan yahay, laakiin tusaale ahaan xiligii lagu jiray kobcintii kacaanka dad fara badan ayaa dhintay, balse dadka dhintay may ahayn kuwo IHABA ama MA’ISO oo keliya raacsiisan.
Masalan is-qabsigii dhexmaray beeralayda iyo nimankii kale ee dhulka lahaa iyo qolyihii kale ee qabyaaladaystayaasha ahaa ee garaadkoodu yaraa waxa lagu xasuuqay meelo ay ka mid yihiin Sidaamo, Arsii iyo gobolka Hererge, sidaa darteed waa inaynu waxaas oo dhan kala shaandhayno oo aynu soo saarno sida ay kala ahaayeen xisbiyada siyaasadeed iyo sida ay kala ahaayeen Ololihii cadaa iyo Ololihii casaa, runtii dadka ku dhintay ololihii casaa aad bay tiradoodu u yar tahay. Laakiin meesha ay dadka tirada badani ku dhinteen waxay ahaayeen Adis-ababa, waayo tusaale ahaan dadka la tiro koobay ee sawiradoodii la soo saaray waxay ahaayeen inka badan ilaa 300 oo qof, liiska dadkaasina waxa uu yaal xafiiska dawladda hoose ee Adis-ababa. Sidoo kale gobolada kale oo dhan tirada dadka ah ee ku dhimatay aad bay u yarayd, waayo tusaale ahaan meelaha ugu badan waxa laga helay meel 5 qod, meel 10 qof, meelna 20 qof. Sidaa awgeed aniga waxay ila tahay cidda leh ololaha cas baa wax lagu dhameeyey ee rabta inay barabogaando caynkaas ah faafiso waa Wayaanaha (Tigreega), taas oo ay Tigreegu doonayaan inay baragabagaandada ololaha cas u adeegsadaan arimohooda siyaasadeed, taasna waxa u suurta gelisay dadkii rayidka ahaa ee duufaankii ololihii casaa kala kulmay dhibaatada iyo waqtiga oo u saamaxay inay xadhig maleegaan. Laakiin dadka rayidka ah ee uu iyagana duufaankii ololihii cadaa dhibaateeyey waxay ila tahay inay iyaguna waqtigooda heli doonaan. Hase yeeshee waxay iswaydiintu tahay imisa qof ayaa rumaysan karta marka loo sheego wax aanay arag oo maqal, laakiin miyey meesha ku jirtaa in been-abuur intaa le’ek dusha la iska reebaa, sidoo kale dadka waxaa ka sheekeeyaa xagee bay ka soo mala-awaaleen ama ka soo qoraan waxan ay ka sheekeeyaan.
Ganat: laakiin marka la isu wada geeyo dadka la laayey imisa ayey gaadhayaan?
Mingistu: Kacaanka bilowgiisii dalkayaga dhiigii ku daatay marka la soo hadal qaado ololaha cad iyo ololaha cas cidda ku nafwayday ee muwaadiniinta Itoobiya ah waxa weeye xusuus murugo leh, laakiin marka la eego dareenka ka dhasha murugadaa waxa haboon in dib loo daymoodo cidii adeegsanaysay hab siyaasadeedkaa iyo cidii doonaysay inay dadka turub ku ciyaarto, balse aniga waxa iiga muuqatay arintaa iyada ah inay ahayd hub ay adeegsadaan, loona noqonayo su’aalaha ah IHABA-du maxay ahayd ?, yey ahayd cidda ka soo horjeeday iyo waa maxay waxa ay ka dhalatay IHABA-du ?. Laakiin inta doonaysa inay ogaato arimaha caynkaas oo kale ahi waa inyar oo kooban. Waayo waxa la yaab leh adiga (Ganat) laftaada sida ay wax waydiintaadu tahay marka la eego u malayn maayo inaad rumaysan doonto xaqiiqda, isla markaana waxa dhici karta inay cidiba rumaysan waydo xaqiiqda, waayo marka laga hadlayo ama la sheegayo dadka dhintay inta ay tiradoodu tahay, dadka qaar waxay ku sheegaan ama ka dhigaan boqol kun oo qof, qaar kalena waxay ka dhigaan toban kun oo qof, sidoo kale maxkamadda Wayaanuhu 5 ilaa 6 kun ayey sheegaysaa.
Hase yeeshee anigu marka aan isu geeyo labada dhinac-ba (ololaha cad io ka cas) dadka ku dhintay is-malihi laba kun oo qof bay gaadhayaan. Tusaale ahaan magaalada Adis-ababa ayey ahayd meeshii la lahaa dad badan baa ku dhintay, waayo sannadkii 1976-kii muddo saddex bilood ah ayey dagaaladu aad uga socdeen, waxaana labada dhinac-ba maalintii ka dhiman jiray ilaa 10 qof ugu yaraan, sidoo kale marka Adis-ababa laga yimaado meesha kale ee ay iyana dadka badani ku dhinteen waxay ahayd gobolka Kafa, gaar ahaan magaalada Jima gudaheeda, halkaasna IHABA-da ayaa ku lahayd koox aad u adag, sidaa darteedna maalin walba dad bay layn jireen. Ta kale ma jirin xoog kale oo anaga na laynayey ee IHABA-da ayey ahaayeen kuwii maalin walba maydadka dadka sida caleenta geedka dhulka ugu daadinayey. Tusaale dhinaca waqooyi galbeed, gaar ahaan magaalada Bahar-daad waxay IHABA-du ka samayn jireen dhaqdhaqaaqyo kul-kulul. Sidoo kale gobolka Hererge, gaar aan magaalooyinka Harar iyo Dirir-dhabe IHABA-du waxay ka samayn jireen hawl-galo, sidoo kale Goondar gudaheeda xiliyadii dambe ayey bilaabeen inay dadka ku dilaan. Laakiin hadii aynu eegno magaalooyinka kale ee Itoobiya waxa ka mid ah meelaha dadka lagu laayey magaalada Naasareet, laakiin Goboladii dhinaca koonfurta, waqooyiga, gobolka Tigraay iyo gobolka Ereteriya ololihii cadaa iyo kii casaa dadka lagu laayey aad bay u yaraayeen, taasna waanu ogayn, waayo warbixinaha booliska iyo nabad-sugiddu ka soo diri jireen intaa waanu la socon jiray, markaa may jirin warbixin keliya uu muujinaysa ama sheegaysa tirada aan iminka kuu sheegay...
La soco cadadka dambe.
Top
A. Ducaale
Waa kuma Saxardiid Maxamed?
Saxardiid Maxamed Cilmi waxa uu ka mid yahay hal-abuurada waaweyni ee reer Somaliland, wuxuuna sameeyey gabayo, heeso riwaayado iyo hal-abuur kale. Laakiin niman dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo sannado badan ku hawlanaa ururinta suugaanta Somaliland ayaa soo ururiyey suugaantii kala tasawday ee Saxardiid.
Dhalinyaradaa oo ururiyey boqolaal ooo isugu jira gabayo, heesood, riwaayado, maahmaahyo iyo suugaan kale waxay suugaanta ay ururiyaan ku kaydiyaan ardaa (Shabakad) la yidhaahdo Shunuuf. Tripod.Com. Ayey u suurta gashay inay waraysi al yeeshaan abwaan Saxardiid Maxamed, waraysigaas oo ay qaadeen bishii Oktoobar ee sannadkii 2000, isaga oo jooga Hargeysa waxa uu u dhacay sidan:
Sua'aal: Imisa Ruwaayadood ayaad samaysay?
Saxaridiid: Horta wey fara badnaayeen waqti horana wey ahayd, waanan kala iloobay waqtigan aynu joogno, laakin waxaan odhan karaa ilaa 10 ruwaayadood wey gaadhayeen. Waxaan magacaabtoodii ka mid ahaa, iyagoon ku koobnayan:
Gardiid Waa Alla Diid
Malko
Wacad alloon kaa Cabbaa
Wanqal
Ismoodsiis
Fiiriyaama
Fallo,
Booraamo Hadimo ha qodin ku dhici Doontaana Mooyaane
Hanaan Qourux Wanaag
Laguma Dhaamee Dhaqaaq
Su'aal: Imisaa fanaaniin caan imika ah oo lawada yawqaan ayaa ku soo shaac baxay ruwaayadahaad samaysay?
Saxardid: Waa suaal wacan. waxay ila tahay inay aad u badan yihiin, waxa qayb libaax ka qaatay, Cismaan gacanlow, Magool, Shimbir, Cabdi Qays, Cabdi Tahliil, Faadumo cabdilaahi, Maandeeq, Cali Bamfas, Shankaroon, Dacar, Maxamad Yusuf, Maxamad Axmad iyo qaar kaloo badan.
Sua'aal: Kabba Caddii yaa ka mid ahaa, waqtigoodii se goormuu ahaa?
Saxardiid: waqtigoodi waxa lagu qiyaasaa 1936kii ilaa 1945kii, waxaana ka mid ahaa rag aad u fara badan oo ay ka mid yihiin, Yusuf Qudun, Mooge Baban, Sanyare, Ayban, Cadduur Cali Axmad, Cumar Mushteeg, Farabadane, Yusuf Cadde iyo qaar kaloo badan.
Su'aal : Walaalo Hargeya yaa ka mid ahaa, waqtigoodiina goorma ayuu ahaa?
Saxardiid: Walaalo Hargeysa Waqtigoodii waxa lagu qiyaasaa [1945kii ilaa 1960kii] Ina Axmad Guuleed, Ina Nuur Qabaas oo ahaa ninka "Raaxeeye" alifay, Xuseen Aw Faarax, Maxamad Yusuf, Cali Sugule, Ismaaciil Axmad [Cagaf], Tayuub Caamir, Barkhad Cas, Cabdilaahi Qarshe, Maxamad Axmad, Baaniyaal, Gidhin, Xasan Samatar, Maxamad Saciid, Cunaaye, Xasan Nahaari, Cumar Dhuule, Guroon_Jire iyo qaar kaloo badan.
Su'aal: Maxaa u dhaxeeyay kabba-cadii iyo walaalo hargeysa?
Saxardiid: Horta fanku gabigiisaba wuxuu ka soo bilaabmay ciyaarihii miyigeena. Kabba caddu waxay ahaayeen kuwii soo suuqeeyay ee keenay magaalooyinka, ama gabay ha ahaato ama hees ha ahaato, iyagaana ugu horeeyay wax ku tuma codad kuna yeedha.
walaalo hargeysana kuwii dhagaha dadka u macaaneeyay ayay ahayeen ee maskaxda dadka ku beeray sida luuqda iyo muusigga [dananka] loo dhagaysto.
Sua'aal: Ma midhahaa codka hogaamiya mise muusigga [dananka]?
Saxrdiid: Midhaha ayaa hogaamiya, bari ayaanu niman aanu saaxiib ahayn ka muranay arrintaa iayadda ah. waxaan sameetyay afar heesood, saddex midhahooda si isku dhaw ayaan u sameey, tii ugu dambaysayna si ka gooniya ayaan u sameeyay midhaheeda. Saddexdii isku midka ahaa markiiba dananka way ku fadhiisiyeen, tii kalena wey u taag waayeen. illaa aan u bedelay midhihii may helin danankeeda. midhaha ayaa codka keenaa ee codku midhaha ma sameeyo, codku wuxuun buu macaaneeya.
Suaal: Midhaha sidee baad u samaysaa?
Saxardiid: Horta waa inaad heshaa "topic" ama waa inay jirtaa ulajeedo aad miidhaha u samaynayaa. Waa inaad halkudheg heshaa marka hore. Wuxuu tusaale nagu siiyay , mar isagoo ruwaayad samaynaya uu helay bayd kaliyaa oo ahaa sida tan intii kalena ay ka xidhantay ama uu heli waayay.
waa guul hel ama waa is gawracaa',
geeri iyo nolol baa guboonaadee somali Ilaahow garansii
Barkhad-cas, Ilaahay haw naxariistee, oo ruwaayadda ku jiray, ayaan ku idhi dhammee wey iga xidhantee. Ilayn "topic"ga ayuu haystaaye, si hawl yar ayuu ugu biiriyay baydkan kale:
waa gudhi ama waa hashaada godlee gaajiyo dhereg baa gudboonaadee Somali Ilaahow garansii.
Top
Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde |
Qalinkii - Boobe Yuusuf Ducaale
Q: 3aad
Maansadii Iyo Maansayahanimadii Timacade
Marxaladdii labaad
Marxaladdani waxay C/laahi Suldaan ugu bilanaysaa maansadiisii damaashaadka, raynraynta, gelbiska iyo mahad-naqa Eebe isugu jirtay. Maansadaa, waxa ballaysin u ahaa geeraarka caan-baxay ee magaca Timaca-cadde la macnaha noqday, ee ‘Kaana siib kan-na saar’, geeraarkaa, waxa xuddun u ahaa:
"Soomaaloo is-cunaysa oo,
Isa seeggan dhammaanoo,
Saqda qaylo dhawaaqdiyo,
Sulub la isu cabaystiyo,
Hadba soof la xabbaadhiyo,
Saraaya demi weyday,
Kii laydhiisu na saaqday,
Kii sadqeeyay qabaa’ilee,
Isu saaray gacmaayee,
Saf walaala ka yeelayow,
********************
Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyoow ma nusqaamoow,
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib kana saar."
Geeraarkaas oo uu tiriyay 25/6/1960-kii, waxa ku lamaanaa geeraarka kale ee Xamdi Eebbe, ee uu Ilaahay ugaga mahad-celinayay guusha iyo gobanimada dadka u soo hoyatay. Waxa intaa xigtay, maansooyinkii Tima-cadde ee guubaabada iyo waanada ahayd ee uu dadka kula dardaarmayay; Wadajirka, walaalnijmada iyo wax wada qabsiga.
Iyadoo labadii gobol ee Soomaaliyeed ay midoobeen, 1/7/1960-kii, waxa gobolladii waqooyiga, booqasho ku yimid wefti uu hoggaaminayay Ra’iisal-wasaarihii xilligaasi oo ahaa C/rashiid Cali Shar-maarke. Bishii August bilowgeedii, 1960-kii, weftigaasi wuxuu marayay magaalada Kala-baydh oo ka tirsan degmada Gebilay, oo aan beryahaa degmo ahayn.
Timacadde oo Faras xamar ah oo qalabkiisii u dhan yahay fuushan ayaa weftigaa, maanso geeraarro u badnayd ku soo dhoweeyay, isagoo qaab warbixineed, geeraarradaa u dhigay, wuxuu yidhi:
"Midi waa dariftayda,
dadkuna wayla qabaa,
midina waa ducadeenna,
midna way dihineyd,
midina waa danteena,
midna waa dacwaddayda oo,
iyada waan ku dambeyn."
Warbixintaa C/laahi Suldaan, markaynu qodobada kale dhaafno, bal aynu soo qaadano qodobka ugu dambeeya wuxuu yidhi:
"Maalintii dabku qiiqayeen,
isticmaarkii is-diidnay,
nimankii danta sheegtayee,
dariiqooda ka leexanee,
dacwadooda dhammaystayee,
dalkan caawa aan joogno,
dulligii isticmaarkiyo,
dahaadhkiiba ka siibayee,
karal daaqad ka saarayee,
duddaanu ahayne,
********************
Dawlad soo gashay mayhine,
Danteennaa laba diiddaye,
Dabuub aanu maqlaynay,
Dareen baan ka qabnaayoo,
Dugsigii barlamaankiyo,
Dekeddii Xamar baa leh,
Berera daadku ha qaado,
Doonniyi yaanay ku leexan,
Duqaydii barlamaankaay,
Labadaa kala daaya oo,
Yaan loo daymo la’aan."
Dareen wax-tabasho ah oo tan iyo maalinta soo taxnaa ayaa halkaa ka bilaabmay, kaas oo maansada C/laahi Suldaan iyo hal-abuur kale oo badanba xuddun u noqday.
C/laahi Suldaan, maansadiisu kuma koobnayn oo keliya waayaha Soomaaliyeed. 1961-kii, markii la dilay Baatriis Lamuumba oo dalkii Koongo la odhan jiray Ra’iisal-wasaare ka ahaa, Timacadde wuxuu ka tiriyay gabay uu ugu baroor-diiqayay Lamuumba. Haddii aynu wax aan badnayn ka soo qaadano, waa kii lahaa:
"Geesiga madow uma oggola, guusha reer Yurube,
Geerida Lamuumbaa wadnuhu, noo gig leeyahaye,
Geyigii goortuu qabtee, gees isugu leexshay,
Iga guura galabtuu yidhaa, geeddan loo xidhaye,
Godka waxaw qoday Haamarshool, waa gedduu rabaye."
1961-kii, ayuu Timacadde markii ugu horraysay tegay Muqdisho. Xaalddii uu halkaa kula kulmay wuxuu si fiican ugu sifeeyay tixdiisa Buul-duqeed. Waxyar haddii aynu ka soo qaadano, waa kii lahaa:
"Shacbigii dagaalka u galaa, daadsan suuqyada’e,
danbarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,
ninaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degine,
hadduun baa sidii Buul-duqeed, daaha loo rogaye,
kol haddaan Talyaanigan dhex degay, cidi ka duubaynin,
iga daaya gabaygaygu wuu, iiga darayaaye."
Hoggaankii iyo madaxdii xilka ummadeed qabatay, markii la mideeyay labadii gobol ee xoroobay ee ay dhalatay jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, Timacadde, isagoo tilmaamayay, waa kii lahaa;
"Muskii baarlamaanada markaan, meel isugu geynay,
madaxweynayaal iyo markii, minister loo doortay,
maskaxdii wacnayd iyo dadkii, meel u wada jeeday,
nimankii melmelay waa kuwii, maalay keligoode,
hadday maalintiina hor kacaan, midho ma wayneene,
ma-xannaanadii baan arladan, meersi na u toline,
marnaba yaydinaan dhicin kuwi, male ku soo goostay,
suntay nagu mudeen wiilashii, lays martiyi waayay,
nimankii mabda’a reer galbeed, nagu maddiideeyay,
muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,
nimankuu muggooduba ahaa, maalin la casuumo."
Marxaladdan labaad, maansada Timacadde waxay u badnayd la-dagaalankii qaybyaaladda, musuqmaasuqa, maamul-xumida iyo wacyigelintii dadweynaha.
Waxa kale oo uu in badan maansadiisa marxaladdan kaga hadlay xorayntii dalalkii maqnaa ee higsigu beryahaa ahaa.
Shaki kuma jiro in uu C/laahi Suldaan, mug iyo baaxadba wixii ay maansadiisu lahayd, ku jeediyay la dagaalanka qabyaaladda, sidaana maanta lagu xusuusto, laguna xuso. Innaga oo aan ku dheeraan, waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa qaar ka mid ah, beydadka hal-ku-dhegga noqday, sida:
"Dugsi ma leh qabbyaaladi waxay dumiso mooyaane."
Waxa kaloo aynu soo qaadan karnaa; "Nin qabyaalad beertow wanaag, kuuma soo baxo."
Tusaale kale waxa aynu soo qaadan karnaa;
"Nin qabyaalad heensaynayaa, guul ma haybsado."
Waxa kaloo ka mid ahaa; "Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waa."
Ka geyoon mayno, haddii aynu is-nidhaa halku-dhegyada qabyaaladda ku beegan kala soo baxa maansada hodanka ah ee C/laahi Suldaan.
Dadka in badan buu si aan mugdi ku jirin ugu tilmaamay, in ay isku tashadaan oo ay ka waantoobaan beyro iyo wax shisheeye laga sugo. Haddii aynu wax yar ka soo qaadano, mid ka mid ah maansooyinkii dulucdaa ku beegnaa, wuxuu yidhi:
"Madax malaha aadamigu wuxuu kuu mitamiyaaye,
macalluul wax kaagama taraan, maal laguu guraye,
midigtaadu waxay xoogsataa, meydha kaa jara’e,
marka aanad lahayn looma lulo, maanka weligaaye,
maggaabada hashaada ka roon, meydhanan kale’e,
marka aanad hammoon noloshu waa, mooyi dabadeede."
La soco...
Top
|