Hambalyo
Boqol Qof Oo Loo Oggolaaday Inay Qadiyadda Somaliland Kusoo Bandhigaan Madasha Baarlamaanka Ingiriiska
Khabiirka Xuquuqal-Insaanka Ee Q.Midoobay Oo Tilmaamo Ka Bixiyay Sida Lagu Helayo Aqoonsiga Somaliland
Harraadka Hargeysa Iyo Jawaabta Wakaaladda Biyaha
Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda
Wax-barashada Oo Xilkii La Wareegay
Kulan Caalami Ah Oo Ku Saabsan Qadiyadda Somaliland Oo Lagu Qabanayo Dalka Sweden
H/Dhawraha Qaranka Oo Hawl Baadhitaan Ah Ka Bilaabay Berbera
Xubno Ka Tirsan Hawlwadeenadii Doorashooyinka Awdal Oo ku Eedeeyay Guddiga Doorashooyinka Inay Lunsadeen Kharashkoodii
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Goormay Saxaafaddu Daba-Fadhiisatay
Xukuumadda?
Sooyaalka Taariikheed Ee Dahsoon Iyo Dirirta Toogan (1-2)
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii
Dhergiga
RAADYOW MAQALOOCSHE
WAADIGA CIYAARAHA
Hoggaanka Kooxaha Isbaanishka Oo Sii Galay Marxalad Adag |
|
Cabdi Xasan Nuur Muuse, Aabo Xaaji Cadami, Hooyo Caasha Odowaa Iyo Carruurteda Oo Kala Ah Khadra X. Cadami, Safiya X. Cadami, Faadumo X. Cadami, Maxamed X. Cadami, C/Risaaq X. Cadami, Mawliid X. Cadami, Koos Jaamac Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo
Iyo Bogaadin U Dirayaan
C/Raxmaan Xawaadle Beegsi
Iyo Shugri X. Cadami
Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 16/02/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara Ubad Khayr Qabana Kala Hela Aamiin.
Hambalyo
Gudoomiyaha Baanka Somaliland C/Raxmaan Ducaale, Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamac Cali Cilmi, Agaasimaha Guud Xasan Ismaaciil Maxamed, Maamulaha Laanta Xarunta Maxamed Ducaale (Bede), Cabdi Khaliif Wayrax, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan
Maxamed C/Raxmaan Ducaale
Iyo Nuura Jaamac Koosaar
Oo Aqalgalkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga Ubad Khayr Qabana Kala Hela Aamiin.
Top
Boqol Qof Oo Loo Oggolaaday Inay Qadiyadda Somaliland Kusoo Bandhigaan Madasha Baarlamaanka Ingiriiska |
London (Haatuf): Dr. Cumar Cilmi Dixood oo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay ergayga gaarka ah ee aqoonsi raadinta Somaliland ayaa ololihiisa aqoonsi u raadinta Somaliland ka bilaabay magaalada London, ee carriga Ingiriiska oo uu haatan ku sugan yahay.
Dr. Cumar oo aanu shalay ku waraysanay khadka telefoonka waxa uu ka warramay halka ay arrintaasi marayso iyo rajada uu ka qabo inuu ku guulaysto hawshiisa, waxaanu sheegay inuu ololihiisa ka sii bilaabay safaaradaha dalalka Caalamka u fadhiya waddamo ka tirsan geeska Afrika, uuna u bandhigay qadiyadda Somaliland iyo waxa ay maanta Caalamka ka filayso.
Dr. Dixood oo ka warrmayay hawsha uu haatan ka wado London waxa uu sheegay in xidhiidh toos ah ay la sameeyeen Dawladda Ingiriiska ayna kala hadleen qadiyadda Somaliland.
"Waxa ay taasi keentay in 100 qof oo reer Somaliland ah loo oggolaaday inay 28-ka bishan hadal ka jeediyaan Baarlamaanka Ingiriiska oo ay nagu qaabili doonaan Mudanayaal laga soo doorto magaalooyinka ay degaan dadka kasoo jeeda Somaliland, waxaanu intaa ku daray inay kala hadli doonaan baarlamaanka Ingiriiska sidii loo soo noolayn lahaa xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee ka dhaxeeyay Ingiriiska iyo Somaliland.
"Waxaanu ku soo bandhigi doonaa kulankaasi xidhiidhkii dheeraa ee ka dhaxayn jiray Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska, iyadoo uu Ingiriisku iska ilaaway dad badan oo u dhashay Somaliland oo naftooda huray xilliyadii ay socdeen dagaal-weynayaashii 1aad iyo 2aad ee caalamku, kuwaas oo ay ciidamo farabadani naftooda ku waayeen," ayuu yidhi Dr. Dixood, isagoo carrabka ku adkeeyay inay magdhaw weydiisan doonaan arrintaa ku saabsan Dawladda Ingiriiska. Iyagoo sida uu sheegay halkaasi ku soo bandhigi doona qoraalo ka hadlaya sidii ay cidamadaa u dhashay Somaliland uga qaybqaateen dagaaladaasi, iyagoo ka barbar dagaalamaya ciidamadii Ingiriiska.
Mar uu ka hadlayay aqoonsiga Somaliland waxa uu sheegay inay weydiisan doonaan mudanayaasha inay ku khasbaan Dawladda Ingiriiska inay aqoonsato Somaliland.
Waxa kale oo uu sheegay in kulankaasi ay mudanayaashu ku dhagaysan doonaan khudbad dheer oo ka warramaysa doorkii ay ciidamadii u dhashay Somaliland ay kasoo qaateen dagaaladii dunida, uuna akhriyay Brigadier G.T Fisher C.S.I.C.E, oo ahaa military Governor, British Somaliland intii u dhaxaysay 1943-1948-kii.
Sidoo kale, waxa uu sheegay Dr. Dixood inuu xidhiidh noocan ah la sameeyay wadamada Holland, Germany, Sweden iyo kuwo kale, uuna filayo inuu guul kasoo hoyn doono u cuntanta shicibka Somaliland.
Ugu dambayntii waxa uu sheegay in ictiraafka Somaliland uu iman doono haddii ay doorashooyinka madaxtinimadu u dhacaan si haboon oo aan turxaan lahayn.
"Haddii ay dooarashada madaxtinimadu si fiican u dhacdo ictiraafkeena cidna la weydiin maayo," ayuu yidhi Dr. Dixood.
Top
Khabiirka Xuquuqal-Insaanka Ee Q.Midoobay Oo Tilmaamo Ka Bixiyay Sida Lagu Helayo Aqoonsiga Somaliland |
"Ictiraafka Somaliland Idiinkuma Imanayo Inaad Halkan Fadhidaan, Laakiin..."
Qaanim Al-Najaar (Khabiirka Arrimaha Xuquuqal Insaanka Q. Midoobay Ee Somaliland Iyo Somaliya
Hargeysa (Haatuf) "Waxaan idiin sheegayaa in marka la eego cilmiga siyaasada oo aan aniga laftaydu dhigo astaamaha dawladnimadu ay ka koobantahay afar qodob oo kala ah: Dad, Dhul, Xukuumad iyo Madaxbanaani, laakiin ictiraafku ma aha shayga abuura dawladnimada ee dal inuu dawlad yahay loo aqoonsado" sidaa waxa yidhi khabiirka madaxa banaan ee arrimaha Q.M xuquuqda aadamaha u qaabilsan dalweynihii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya).
Khabiirkaas oo magaciisa la yidhaahdo Dr. Qanim Al-Najar waxa uu Somaliland socdaal ku joogay muddo dhawr maalmood ah, isagoo ka qayb galay shir hawleed xuquuqda aadamaha ah oo lagu qabtay Hargeysa, laakiin shirweynaha ka sokow waxa uu kulamo la yeeshay golayaasha dawladda Somaliland, isaga oo maalintii doraad khudbad la xidhiidha xuquuqda aadamiga ka jeediyay madasha fadhiga golaha wakiilada, taas oo ay mudanayaasha golaha wakiiladu Prof: Qanim su’aalo ka waydiiyeen sababaha iyo sida bulshada caalamka looga la’yahay inay aqoonsi siiso Somaliland ama xataa sababta ay bulshada caalamku uga warwareegayso inay dhagaysato qadiyada Somaliland.
Prof: Qanim ka shaqaynta arrimaha xuquuqda aadamiga ka sokow waxa uu wax ka dhigaa jaamacad ku taal dalka Kuwait oo uu ka bixiyo casharo dhinaca siyaasada ah, iyadoo uu Prof: Qanim dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Kuwait, laakiin isagoo ka hadlaya qadiyadda Somaliland iyo sida lagu heli karo ictiraaf wuxuu yidhi "sida ay Somaliland Ictiraaf u heli lahayd waa arrin u taal dadka reer Somaliland taas oo ah inay iyagu wax ka qabtaan sidii uu dalkoodu beesha caalamka uga heli lahaa ictiraaf, taasina waxay iman kartaa haddii ay Somaliland si firfircoon ugu hagar baxdo xaqiijinta qadiyadeeda madaxbanaanida, waxaana la idiinka baahanyahay inaad xidhiidho isdaba joog ah la samaysaan dunida inteeda kale oo aad caalamka u baxdaan, marka aad xidhiidhada dibadaha kordhisaana waxa isna kobci doona oo isa soo tari doona fahamka iyo taageerada uu caalamku u yeelan doono qadiyadiina, laakiin haddii aad halkan iska fadhidaan oo aad caalamka uun ka cabataan oo aad tidhaahdaan maxaa na loo ictiraafi waayay waxaanu nahay dal jira’e oo aad intaas oo kaliya naftiina ku qancisaan suurta gal ma noqonayso inuu ictiraafku halkan idiinku yimaado, isla markaana inta aad idinku isleedihiin dhexdiina waxba idin tari mayso."
Prof: Qanim isaga oo tilmaamo ka bixinaya sida lagu heli karo ictiraaf wuxuu yidhi, "anigu shakhsiyan waan ka waramayaa waxa aad qabsateen, nabada iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalkiina ka jira. Waxa kale oo aan warbixintayda ku sheegayaa sida aad uga duwantihiin qaybaha kale ee soomaalida. Hase yeeshee waxa loo baahanyahay hawlgal intaa ka balaadhan inaad samaysaan.
Laakiin haddii aan tusaale u soo qaato dalkayga Kuwait oo markii uu madaxbanaanida ka qaatay Ingiriiska sanadkii 1961-kii ay beesha caalamku u diiday inay ictiraaf siiso, ka dib markii ay dawladdii midowgii soofiyeeti ay arrinta ictiraafka Kuwait isku hortaagtay codka qayaxan ee veto power fadhi golaha amaanka ee Q.M ah.
Sidaa darteed muddo 3 sanadood ah ayay dawladda Kuwait jirtay iyadoo aan aqoonsi ka helin beesha caalamka, balse nasiib wanaag Kuwait markii ay madaxbanaanideeda heshay waxay u jeesatay dhismaha hanaankeeda dawladeed, taas oo ay taageero kaga heshay dawlado badan oo dunida ah, taas oo kalena waa arrin maanta ka jirta Somaliland, xaqiiqduna waxay ma jirto cid ictiraaf axsaan idinku siinaysaa, laakiin waxa la idiinka baahanyahay dedaal aad u fara badan".
Top
Harraadka Hargeysa Iyo Jawaabta Wakaaladda Biyaha |
Hargeysa (Haatuf): Waxa maalmahan magaalada caasimadda ee Hargeysa laga dareemay biyo la’aan si weyn u saamaysay bulshada ku dhaqan Hargeysa, hase yeeshee weriyeyaal ka socda wargeyska Haatuf ayaa shalay booqday xarunta wakaaladda biyaha ee Hargeysa si ay wax uga weydiiyaan mas’uuliyiinta wakaaladda sababta keentay biyo la’aanta soo noqnoqonaysay dhawrkii bilood ee u dambeeyay.
Laakiin waxa waqtigaa xafiiska ku sugnaa maareeye xigeenka wakaaladda Axmed Ismaaciil oo faahfaahin ka bixiyay sababta biyo la’aanta, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi; "Shalay ayaanu idaacadda warka biyo la’aanta geynay, waxa dhacday iyo waxaanu ka damacsanahay ee aanu ka qabanayno oo ahayd in ceelasha la kordhiyo oo biyo dheeraada laga soo saaro matoorada biyaha soo saara iyo kuwa soo riixaba."
Maareeye xigeenku wuxuu intaa ku daray inay cilladi gashay matoorkii biyaha soo riixayay, laakiin uu maareeyaha wakaaladdu laba habeen ku maqnaa sidii loo hagaajin lahaa matoorkaa, isla markaa uu ku guulaystay oo matoorkaasi hadda shaqaynayo.
Waxa kaloo maareeye xigeenku sheegay in laba matoor oo kale oo uu ku sheegay inay kayd noqonayaan gacanta lagu hayo.
Warbixintaa kooban kadib, waxa maareeye xigeenka la weydiiyay su’aalo, waxayna u dhaceen sidan:
S: Mar walba waxaad sheegtaan in dib u habayn la samaynayo, laakiin ma jiraan wax isbeddel ah oo dhinaca biyaha ahi ilaa hadda mushkiladdu way kasii daraysaa, waa maxay sababtu, maxaadse wax uga qaban weydeen?
J: Isbeddel wuu jiraa oo sagaal bilood biyaha lagama qaylin, laakiin maalin ama laba ay cilladi dhacdo ayay dadku kacaan oo la dareemaa biyo la’aanta, markaa waa in la ogaado marka la cabiyo ee ay meel walba ku soconayaan.
S: Waa maxay sababta keentay biyo la’aanta ugu dambaysay?
J: Matoor weyn oo kuwa biyaha soo riixa ah oo yaalay Geed-deeble, ayaa caddilmay, waana la dhameeyay oo waxa laga shaqaynayay laba habeen. Laba mishiin oo kalena waa la diyaarinayaa.
S: Waxa jira marka biyaha laga cabanayo in laydinku eedeeyo inaad booyado u fasaxdeen biyihii, iyadoo aanay biyuhu gaadhin magaaladiiba, taas ka warran?
J: Booyadaa waxa loo dhaaminayaa dhulka fog-fog ee taagaga ee aanay biyuhu gaadhin.
S: Haddii aydinaan awood u hayn inaad biyaha magaalada ka haqab-tirtaan maxaad baaq caalamiya u samayn weydeen si laydiinka caawiyo?
J: Meelo badan ayaanu la xidhiidhnay, qaar wax nagaga soo noqdeen way jiraan, qaar aan waxba nagaga soo noqonina way jiraan oo waanu qaylo diranay.
S: Waxa la ogyahay inay wakaaladda biyuhu soo saarto dakhli badan, laakiin waxa laydinku eedeeyaa inaydinaan dakhligaa sidii loogu talogalay u isticmaalin oo aan lagu baahi tirin wakaaladda?
J: Waxna masoo baxaan, laakiin wixii soo baxa diyaar ayaanu u nahay in nalala xisaabtamo, wixii soo baxayna meeshay mareen ayaanu haynaa, wixii la waayana diyaar baanu u nahay in nalala xisaabtamo oo nalagu qaado.
S: Magaalada Hargeysi imisa mitir kuyuubik ayay cabtaa maalintii?
J: Warbixinahaygu waxay sheegayaan in maalintii 6000mtr2k ay soo baxaan ay soo baxaan oo soo gaadhaan magaalada, marka laga reebo waxa daata, wixii iibsamaa dakhligayaga ayay ka muuqdaan.
S: Waxyaabaha laydinku eedeeyo wakaalad ahaan waxa ka mid ah in marwalba shidaalkiina iyo kharashkiinu ka badan yihiin dakhliga soo baxa.
J: Way jirtaa arrintaasu, sababtoo ah waxa jira (power station), ka dhaxeeya biyo-saarka oo tashiila shidaalka, laakiin marka aanu kaasu jirin ee ceel walba matoor gooniyi dul yaalo shidaalku wuu laban laabmayaa dakhliga soo gala wakaaladuna kala badh shidaal ah ayuu ku baxaa, wayna jiraysaa taasu ilaa la helayo (Power Station) ka dhaxeeya biyo soo saarka.
Top
Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Wax-barashada Oo Xilkii La Wareegay |
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay wasaaradda waxbarashada Cismaan Xasan Mire, ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee wasaaradaasi Axmed Yuusuf Ducaale.
Xafladda xil-wareejinta ah oo ka dhacday xarunta manaahijta oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada, wakiilo ka socday hay’adaha UNICEF iyo UNISCO iyo marti-sharaf kale, waxa hadalo ka soo jeediyay wasiirada xilka la kala wareegay.
Ugu horrayn waxa hadalka qaatay wasiirkii hore ee waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, isaga oo ka warramay waxqabadkiisii muddadii u xilka hayay iyo xaaladda guud ee waxbarashada dalka.
Intaa kadib, Axmed Yuusuf Ducaale wuxuu u baydhay dhinaca Siyaasadda isagoo yidhi; "Anigu waxaan ka mid ahay aas-aasayaashii xisbiga UDUB, waxaanan ka tirsanahay golihiisa dhexe, markaa waxaan u hambalyaynayaa dhammaan lixdii urur ee ka qaybqaatay doorashooyinkii G/Degaanka iyo madaxdoodii, waxaa kale oo aan si gaar ah u hambalyaynayaa Madaxda saddexda xisbi qaran ee soo baxay."
Isagoo kula dardaarmay Madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada inay hawshooda halkaa kasii wadaan.
Wasiirka cusub ee waxbarashada Cismaan Xasan Mire oo kadib isna hadal kooban ka jeediyay xafladdaasi ayaa u mahadnaqay wasiirkii hore ee waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale oo uu sheegay inuu waxqabad muuqda kaga tegay wasaaradda, isaga oo ugu dambayn ka rajeeyay inay ula shaqeeyaan sidii ay ula soo shaqeeyeen wasiirkii hore.
Top
Kulan Caalami Ah Oo Ku Saabsan Qadiyadda Somaliland Oo Lagu Qabanayo Dalka Sweden |
Hargeysa (Haatuf) Waxa Lixda bisha March ee fooda inagu soo haysa ka bilaabmaya dalka Sweden, kulan caalamiya oo dadka reer Sweden, xukuumadda iyo hay’adaha deeqda bixiya loogu soo bandhigi doono duruufaha ka jira Somaliland.
Kulankan oo socon doona muddo shan maalmood ah oo lagu qaban doono labada magaalo ee Stocklom iyo Umea waxa la filayaa inay ka soo qayb galaan wasiirka daryeelka qoyska iyo horumarinta bulshada Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ah maareeyaha mac-hadka cilmi baadhista iyo tababarada ee (IPRT) ee xaruntiisu tahay Hargeysa, Ambassador David H. Shinn oo safiir dalka Maraykanka uga ahaan jiray Ethiopia, Burkinafaso, Sudan, iyo Mauritania, haatana wax ka dhiga jaamacadda George Washington University iyo dad kale oo kala duwan.
Sida lagu sheegay qoraal uu na soo gaadhsiiyay Dr. Axmed Xuseen Ciise, waxa ay ujeedada ugu wayn ee shirkaa laga leeyahay noqon doontaa sidii mujtamaca reer Sweden loo dareensiin lahaa dhibaatooyinka ka jira Somaliland ee dhinaca horumarinta, isla markaana loo dhiirigalin lahaa siyaasiyiinta, masuuliyiinta xukuumadda Sweden iyo hay’adda SIDA oo dalka Sweden u qaabilsan iskaashiga caalamiga iyo horumarinta inay ka qayb qaataan sidii wax loogu qaban lahaa dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland.
Top
H/Dhawraha Qaranka Oo Hawl Baadhitaan Ah Ka Bilaabay Berbera |
Berbera (Haatuf) Hanti dhawraha guud ee Qaranka Aadan Cali Yoonis oo ay weheliyaan xubno ka tirsan hawlwadeenada la shaqeeya ayaa maalintii shalay hawl baadhitaan ah ka bilaabay magaalada Berbera.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) hanti dhawraha iyo xubnaha la socdaa waxa ay baadhitaan ka bilaabeen hay’adaha dakhli ururinta ee Berbera, iyaga oo isla shalay subaxdii hore hawshooda ka bilaabay hay’adaha ay ka mid yihiin kastamka dekeda iyo wakaaladda biyaha Berbera, balse ilaa iyo hadda wax wara ah kamay soo saarin natiijada baadhitaankooda, waxaase loo arkaa inay tahay hawl ay ku hubinayaan hanaanka ay hay’adahaasi dakhliga u ururiyaan iyo sida loo isticmaalo dakhliga ku soo xerooda hay’adahaasi.
Hawl tan la mid ah ayay hore Berbera uga fuliyeen gudigii musuqmaasuqa ee u magacaabay M/weynihii hore ee geeriyooday marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal sanadkii 2001 kuwaasoo berigaa xabsiyada u taxaabay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adaha dakhli ururinta ee Berbera.
Top
Xubno Ka Tirsan Hawlwadeenadii Doorashooyinka Awdal Oo ku Eedeeyay Guddiga Doorashooyinka Inay Lunsadeen Kharashkoodii |
Boorama (Haatuf) Xubno ka tirsan shaqaalihii ka hawlgalay doorashooyinka deegaanka gobolka Awdal ayaa ku eedeeyay gudiga doorashooyinka inay ka lunsadeen kharashkii loogu talo galay, sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, isuduha wasaaradda warfaafinta ee gobolka Awdal Abokor Xasan Caafi ayaa u sheegay in isaga iyo tobaneeyo qof oo ka tirsan dadweynaha magaalada lagu hawlgaliyay balanqaadyo ay ku guteen waajibaadkoodii intii ay socdeen doorashooyinku.
Dadkan oo siduu isuduwuhu sheegay qabtay hawlo isugujiray diiwaan galin, wacyi galin iyo gaadiidlaydaba kharashkoodii faro dhexdood laga saaray.
"ka dib markii aan tan iyo wakhtigaa sugayay kharashkii aan ku hawlgalay ayaa haatan nalagu wargaliyay inaan waxba na loo hayn" ayuu yidhi Abokor.
Mar uu wariyhu waydiiyay cidda ay balan qaadka ay ku hawlgaleen u samaysay waxa uu yidhi "Mudane Goodir oo ka tirsana ama guddiga doorashooyinka heer qaran wakiil uga ahaa gobolkan ayaa guddiga gobolka anagoo goob joog u ah ku wargaliyay hawshayada, hase yeeshee waxba kama fulin" isagoo sheegay inaanay garanayn cida ay ku maqantahay kharashyadaasi ha ahaato guddiga doorashooyinka heer qaran, ama heer gobol, ama heer degmo, isagoo sheegay inay tuhunsanyihiin inuu kharashkaasi ku maqanyahay dhinaca xukuumadda.
Dhinaca kale duqa degmada Saylac Aadan C/laahi Boodhle ayaa 15-kii bishan tuulada Ceel Gaal oo ka tirsan deegaanka Saylac ka furay mashaariic horumarineed oo isugu jirta masaajid iyo berked qaadkeedu yahay 70-kun oo mitir cubic oo biyo ah.
Sida uu soo sheegay wariyahayaga oo uu kula soo xidhiidhay khadka isgaadhsiinta fooniyaha waxa uu sheegay in tuuladaasi oo ku taala badhtamaha jidka isku xidha Djibouti iyo Boorama ay baahi weyn u qabtay masaajidka iyo berkeddaba, isla markaana ay baahidoodu ku koobnayn labadaasi. Duqa Saylac waxa kale oo uu sheegay in maamulka dawladdu u fududeeyay tas-hiilaadna u sameeyay cid kasta oo u dhalatay deegaanka oo wax u qabanaysa. Duqa oo ay la socdeen xubno afar ah oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Saylac ayaa la hadlay duqaydtida deegaanka Ceelgaal ka tirsan waxayna munaasibadaasi ugu mahadceliyeen shirkada Red Sea Central gudoomiyaheeda Ganacsade C/Raxmaan Maxamed Boore oo iyagu bixiyay kharashka lagu fuliyay mashaariicdan, oo ah tii ugu horeysay ee laga fuliyo Ceelgaal muddo sanado ah waxayna duqayda Ceelgaal maamulka degmada Saylac u sheegeen faa’iidada ugu jirta berkeddaasi dadka iyo duunyada deegaanka maadaama uu yahay dhul oomane ah abaaro badanina iskaga dambeeyeen.
Top
Nabadda Hala Dhawro
Marka hore waxaan mahad u soo jeedinayaa, bahda warbaahinta madaxa banaan. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay iyagoo daboolay baahidii dadweynaha ee dhinaca warbaahinta oo ay ka haqabtireen anigoo aad iyo aad u xiiseeya qalabka warbaahinta madaxa banaan, taasi oo ay dadweynuhu ku soo bandhigaan aragtidooda kolba wixii ay u baahanyihiin iyo wixii tabashooyin ah ee ay tabanayaan dhinacay doonto ha ahaatee.
Ta kale waxaan ogahay meesha ay dalkeenan JSL kaga jirto warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo ta dawliga ahiba oo ah dhinaca horumarinta dalkooda hooyo.
Haddii aan soo qaadano doorashadii dawladaha hoose ee dalkeena ka dhacay kaalin wax ku ool ah oo aan anigu aaminsanahay inay kaalinta ugu muhiimsan ka qaadatay warbaahintu.
Hadday noqoto dhinacyo badan, sida wacyigalinta bulshada, ku baraarujinta arrimaha doorashooyinka iyo kuwo oo aynaan soo koobi karayn.
Haddii aanu nahay dadweynaha ku nool degmada Allaybaday waxaanu xusuusinaynaa cidkasta oo ka dambaysay falkan foosha xun inayna burburin oo ayna meel kaga dhicin nidaamka dalkan Somaliland oo ah kala dambayn is xaq dhawr, nabad ku wada noolaansho, haddii taa la waayo waxaa ka masuula ah cidii samaysay falkaasi waxshinimada leh.
Waxaanu marlabaad ugu baaqaynaa maamulka Farowayne inay ka waantoobaan farogalinta guracan ee noocaas ah oo aanay u horseedin dhibaato dhacda.
Guntii iyo gabagabadii waxaanu leenahay oo aanu ogaysiinaynaa cidkastoo ay khusayso gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha si aanay mar labaad u dhicin mushkiladan.
Mukhtaar Muxumed Xuseen.
Allay baday.
Top
Goormay
Saxaafaddu Daba-Fadhiisatay Xukuumadda? |
Nin ku yidhi sinaan mayno adna bur sarayntiisa sidka waad wadaagtaane ma sagaashan baa tiisu" waxa midhahan Hadraawi aan hor dhac uga dhigayaa maqaal aan kaga hadlayo waxa loogu yeedho xeer urur weyne kulmiya bahweynta saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland. Ugu horeyn waa qaab noocee ah hanaanka loo unkay urur waynaha saxaafadda ee dhawaan lagu dhawaaqay iyadoo la sheegay in laga soo abaqaalayo dhamaan qalabka warbaahineed ee dalka kuwa dawliga ah iyo kuwa madaxa banaan?
Sida caadiga ah marka la dejiyo xeer urur leeyahay waxa la ururiyaa dhamaan afkaaraha kala duwan ee cida lama huraanka ahi leedahay, iyadoo laga soo bilaabayo gunta hoose oo lana qadarinayo dhamaan intay khusayso mihnadan saxaafadda ee sees la bud-dhigayo ogow alif kaa qaloocdaa albaqra ayuu ku dhibaa marlabaadna nin xumaan beertow wanaag kuuma soo baxo sideedaba saxaafadu ama qalabka warbaahintu waa aalado ka madax banaan cid u xaglin siyaasaded danaysi shaqsi dad u adeegid gaar qabyaalad ah eex, musuqmaasuq, jujuuba, saxaafaddu way ka madax banaantahay dhamaan dhaliil oo dhan waayo, iyadaa wax saxaysa, waxa ku waajib ah soo bandhigida xaqaa’iqa aasaasiga ah iyo kuwa caalamiga ah, xuquuqal insaanka iyo xoriyatul qawlka, sidaa daraadeed suxufiyiinta ama saxaafaddu cid kasta way isaga ood dhawyihiin, waxaana lagu tiriyaa inay yihiin cida qudha ee isku aragtida ah, wadaagana ujeedo qudha, haddaba sida uu dhigayo dastuurkeenu dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland waxay leeyihiin xuquuqda aasaasiga ah ee lagama maarmaanka ah sida uu waajibiyay dastuurku.
Saxaafadu way madax banaantahay sida uu dhigayo dastuurku. Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxa dhawaan lagu dhawaaqay urur gaar ah oo ay leeyihiin saxaafaddu, waase qaab noocee ah ayaa loo maamulay?
Ugu horeyn waa talaabo soo dhawayn iyo dhiiri galin mudan in suxufiga iyo saxaafaddu hesho xaq iyo xuquuq ay kaga aado hawl maalmeedkeeda ay ku hawl galiso iyadoo laga duulayo madaxbanaanida saxaafadeed ee distoorku siiyay maamulida samaynta ururka waxaleh dhamaan suxufiyiinta talo ahaan iyadoo goob joog ka yihiin hay’adaha dawliga ah hawshani cidda isu duba ridaysaana suxufiyiinta ayaa igmanaya wixii kale se waa xaglin iyo khiyaamo badheedha oo lagula kufay hanaankii saxaafadeed waana loo simanyahay ururka cidina kaligeed uma laha title-ka saxaafadda haddaba waxa axmaqnimo iyo fajiciso noqotay ururka la leeyahay saxaafadda ayaa leh in haddana xukuumaddu dabada ka wado oo iyadu u yeedhiso hadba wixii ay jeceshahay ee ay danteedu ku jirto iyadoo adeegsanaysa afku xooglayaasha sita magaca saxaafadda damacsan in ay af iyo adinba qabato dhamaan xuquuqda aasaasiga ah iyo xoriyatul qawlka distuurku waajibiyay waxaanse yaabe goormay saxaafadu noqotay Radio Hargeysa iyo Maandeeq, oo loo kala hororsaday sidii loogu tuuri lahaa saxaafadda madaxa banaan xaashi loogu yeedhiyoloona xidhan lahaa shaadh hantiwadaag oo cidii sheeganaysa saxaafadda madaxabanaan xaashi loogu yeedhiyo xeerar ay soo dajisatay xukuumadu oo ka horimanaya hanaanka madaxbanaanida saxaafadda.
Saxaafadu ka balaadhan in loogu adimo ibriiq, ama ay noqoto dhag cid u adeegta oo sharcigeedana qolol madaw habeenkii hoosta la iskaga soo xidho xornimadii iyo halgankii umaddana lagu iloobo magaca iyo qadar dhuuniya, saxaafadda waxa u hadli kara inta ay damqayso wadaniyaddu jecelna madaxbanaanida iyo xorriyatul qawlka.
Saxaafadda madaxa banaan ayayna xeerar ay dajisay wasaaradda warfaafintu lagu xakamaynin, isla markaana dad gaar ahi ayaanay iskood u xamaalanin xilka saxaafadda isla markaana yaan la jabinin waxyaabaha ka horimanaya dastuurka, ugu dambayntiina cidina kali uma sheegan karto ururka saxaafadda madaxa banaan laakiin waxaan leenahay waa kooxo isku aragti noqday xeer iyo sharcina gooni u soo saartay cid aan iyaga ahayninina ma qabto waxase ibtilo iman maalinta loola yimaado xeerkaa dhoobdhoobkaa cid aan waxba ka ogayn hadal iyo dhamaan shacbiga golayaasha qaranka Guurtida iyo wakiilada iyo cidii ay khusayso arrinta saxaafadda waxan leeyahay looma dhama kooxo uunbaa jira marka inta la helayo urur mideeya saxaafadda waa in laga fiirsadaa sharciyaynta walina arrinku waa ismagacaw.
Mawliid Saleebaan Gaboobe (Ilka Case)
Hargeysa
Top
Sooyaalka Taariikheed Ee Dahsoon Iyo Dirirta Toogan (1-2) |
Waxaa soo diyaariyey oo isku dubariday MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN
Waxaa mahadleh ilaahay inagu abuuray dunidan aynu ku noolahay ee hadana inoogu nimceeyey diinta muqadaska ah ee Islaamka (alxamdulilah), waxaa akhriyasha qiimaha iyo qaayaha mudanlow xusuus mudan in sida caqli kasta oo fayow ka dhaadhacsani aanay taariikhda cidina qorin cidina soo cel celin balse iyadaa isa soo celcelisa eh (the history repeated itself), waxaa murugo iyo naxdin leh, amakaag iyo layaableh, baroordiiq iyo jamasho leh, qoomamo iyo hagardaamo leh, waxyaabo qaarkood oo damiirka fayow ka xishoodo, damiirka uu ku dhisanyahay cilmiga iyo aqoontu ayaa wuxuu ku tiraabaya:
"Ka i daadaheeyee danahayga wada iyo
Ka i daalinaayeen danbiyada iga galay
Dal madhan in aan ahay.... hadba duul jaleecoo
Daymadaha hareerah kala dooran waayee
Aaway daramlkii iyo magacii geesinimadee
shalay {xiligii faqashta} lagu dagaal galy dadkaygow maad dantiina garataan
ileyn doqoni calf ma leh durba maxaa ka baylahay"
Illaahay ajar iyo axsanaad buuxda ha ku siiyo aqoonyahan aniis, runtii waxaa jidhka dareenka leh ku dhalan kara jidhiidhico aan daymo lahayn, waxaa shakhsiga sifaha muwaadinimo leh ku duxi kara duulaan siyaasadeed, tallow akhristayaal waa maxay waxan aan la goohaya iga gunuunicinaya iga gaafwareejinaya, xaqiiqdii waxaa jira duulaan siyaasadeed oo lagu curyaaminaayo dalkii aan jecla ee aan u dhashay dadkii aan jecla ee aan ka dhashay, waxaan aan arkaaya tallow ma mid dahsoonba ma mid dadban oo dadka lagu wada garanba.
aan usoo laabto dulucda iyo dareenka guud ee dareenkayga dahsoon, waxaa ay taariikhdu ahayd abaaro dabayaqadii bishii may sanadahii 1993, waxaa fagaaraha caanka ah ee magaalo madaxda Somaliland ee Hargeisa qudbado ay ku dheehanyahiin yididiilo darmaanteedu dahsoontahay oo aan wax jidh nax ahi ku jirin la koray badiba siyaasiyiin markaa hanqal taaga hunguriga mansabka ugu sareeya dalka ku guuldaraystay, ammintu waxay ahayd goor barqo ah markii Mujaahid Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa madaxweynahii ugu horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland oo barbar taagan Madaxweynahii geeriyooday ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal ilaahay naxariistii janno ha siiye, uu ku tiraabay kelmado ay ka mid ahaayeen "Somaliland waan usoo dagaalanay waan soo xoraynay haatanna waxaan ka shaqaynaya wada jirkeeda madaxweyne xilku waa wareegto ilaahay ayaa maanta kuu gartey inaad dalkan u maarayso (Cigaal), anna ballan waxaa iga ah inaan kula shaqeeyo" bin'aadmigu ayaan daranaa, arxan iyo aqoon gaabana, soomalida ayaa hore u tidhi ileen carab iyo labadiisa daan isma oga, horaantii xagaagii sannadii 1993, waa bishii June eh ayaa Mujaahid Tuur wuxuu u kicitimay isaga oo hargeisa iyo dadkiisa kaga tagay qalbi iyo calool caafimaad qabta waddanka britain, isla maalmo ka dib waxaa mar uun dhegaha shacbigii uu madaxweynaha u ahaa ku soo dhacay kelmado ay ka mid ahaayeen "waxaa i khiyaameeyey group yar oo uu cigaal horkacaayo, waxay ahayd khiyaamo cad in xilkii umadda aan u hayey la iga soo qaado waxaan aaminsanahay in wax Somaliland la yidhaahda jirin... anigu waxaan aaminsana macna iyo murtida dawlad wuxuu ugu yeedhay afkaygu ma geyo eh federaali ah oo ay yeelato wuxuu ku magacaabay maankaygu ma kasine Soomaliyeed" runtii waan oga oo waan la socda in Mujaahid Tuur oo kasbaday sumcadda shacabka Somaliland ka dib fikirkii iyo maskaxdiisu ay dheeftay in ciidamadii halyeyada ahaa ee SNM uu cagta dhulka u saaro inay xoreeyaan geyigii Somaliland british Protectorate, taasina ay dhashay in Tuur loo garto inuu hanan karo hogaanka iyo hagida qarankii yagleela ee lagu unkay magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco, waxaa waagaasi jiray in Tuur sida la ii sheegay qori caaradii lagu garawsiiyey inuu ku dhawaaqo qaranimada Somaliland, runtii ciladaasi Tuur ku keli maaha keligiina kuma dhaliilayo mawqifku waa mid cad oo sida daroorta u cad, balse dalkayga ayaa ka warmoog, Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur) oo ayaan iyo nasiib u helay in aan maanta ugu yeedho Madaxweynahii ugu horeeyey ee qaran Somaliland ah yeesho, wuxuu sanadahii 94,95,96,97 iyo 98 kiiba ku gaafwareegayey nolol ay ku jirto darxumo iyo tiif ay raacsantahay qoomamo iyo gocla wareeg, wuxuu gaafwareegayey gondayaasha dadqalatooyin ilaahay hortii ugu badheedhay inay shacbigoogii ay u hirdameen kala dhantaalan, wuxuu Mujaahid Tuur la gaafwareegayey cadho iyo hagardaamo, aan la garanayn cidda uu u hayo iyo cidda uu wax ku yeelaayo dumitaanka iyo kala dhantaalidda shacabkiisa, waxaa badiba shacabku isweydiinayeen Maxaa Tuur ku kelifay inuu ka doorbido hoygiisa dugsoon damiirka foosha xun ee xamar udoodka, maxaa ku kelifay Tuur oo aanu u garanay (shacbiga Somaliland) inuu hanto hogaanka ugu saraysa qarankaanu hantinay inuu gacanta hoos dhigto hogaamiye kooxeed tiisaba la taagdaran, (Janeral Mohamed Farah caydiid), sannadii 1998 ayaa Mujaahid Tuur wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisi hooyo, waxaa yadiidiilo geshay saaxiibo farabadan oo ay nolosha ku soo wada barbaariyeen wakhtiguna si wanaagsan isku soo baray xiligii xoraynta dhulka hooyo (Somaliland), waxaa quluub badan ku dhalatay hammi ah in la soo celiyo gaashan buurtii burburtay ee dhinaca bidixda (left wing) (calancasta), balse nasiid darro waxaa markeliya uun laga warhelay iyada oo idaacadahu ku waramayaan in galab ka mid ah galabooyinkii sannadii 1998 dawladii alla ha u naxariistee maxamed Ibraahim Cigaal ka musaafurisay dalka, balse Tuur oo go,aan adki iyo mawqif qalafsan lagu yaqaanay wuxuu taa ku macneeyey "wax aan sal iyo raad toona lahayn". Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur) waa aqoonyahan siyaasi, indheer garad, balse u isticmaala maskaxda ilaahay ku galladay si khaldan, mar taasi laga waramaayey ayaa waxaa la iigu sheegay goob ka mid ah goobaha fadhi ku dirirka in walaalkii alla naxariistii janno ha siiye "MUDANE AQOONYAHAN MAXAMOUD AXMED CALI" Aabahii tacliinta Jamhuuriyadda Somaliland laga hayo "walaalkay (Tuur) wuxuu kara in uu dawlada dhan oo dhisan kala dhantaalo balse nasiib darro hooyadii ma awoodo in uu ciil tiro", Cabdiraxmaan Axmed Cali waa maskaxdii ka danbaysaybaa la odhan karaa in Somaliland maanta xoriyad iyo taam lagu dhex joogi karo, Cabdiraxmaan Axmed Cali waa Siyaasi aan haybad lahayn taasi waxaa daliil u noqon karta cahdigii uu xukumayey dalka oo laga dheehan karo sida tani:-
CAHDIGII CABDIRAXMAAN TUUR IYO QANIINYADII QABIILKA
aan inyar dib u noqda eh, waxaa lagu jiray wakhti coladeed oo badiba dadku u hanweynayeen xoraynta dhulkooga hooyo waxaa degta qoriga ku jeeni qaarna dhalinyar badankoogu u badnaayeen ciyaalo iskuulkii u huray dhiigooga iyo naftooda macaan qaranka Somaliland, waxaa sannadahii 1990 meeyadii la wareegay xukunkii ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaliyeed ee SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur) oo noqday hogaamiyaha cusub ee ururka isaga oo xilka kala wareegay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) wuxuu cabdiraxmaan Tuur ku guulaystay inuu isku keeno habeeyo ciidamadeedii halyeeyada ahaa ee SNM wuxuuna horaantii sannadkii 1990 kiiba cagta dhulka u saaray ciidamadii SNM inay gacanta ku dhigaan dhamaanba geyigii dhulkaaga hooyo ee ay duurka ugu jireen tobanaanka sanno. waxaa lagu guulaystay in dhamaanba gacanta lagu dhigo lagana xoreeyo cunsurigii fashistiga ahaa ee Afweyne Barre dhamaanba dhulka Hooyo ee Somaliland. sannadkii 1991 ayaa sida badiba aad wada ogsoontahiin waxaa lagu qabtay shirweynahii ugu horeeyey ee ay beelweynta reer Somaliland iskugu timaado magaalada Burco oo ahayd xuduntii laga aasasay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa halkaasi lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada iy xorriyadda jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba inaan gooni isu taagga Somaliland cidnaba gorgortan looga gelaynin, waxaa yaanan hadal idinku daalin akhristayaal eh beelahii halkaa iskugu yimid isku waafaqeen maadama uu cabdiraxmaan Tuur ka kasbaday sumcad beelaha dhexdeeda loo dhiibo xilka hogaanka dalka Somaliland laba sanno oo ku meel gaadh ah si uu dalka uga saaro dhibaatooyin aad iyo aad u farabadan oo wakhtigaasi jiray? balse su,aashu waxay noqotay maamulkii cusba ma noqday mid u qalba waxa loo igmaday, waxaa Hargeysa, Berbera, Iyo Burco ka bilaabmay qaniinyo xoogleh oo qabiileed, waxaa wadanka ka dhacay ammaan darro xoogleh oo run ahaantii ay sababtay maamul xumada halkaasi ka jirtay, Hargeysa oo ahayd xuduntii wadanka laga hagaayey waxaa hadhka cad toogasho la isku dilayey suuqyadeeda, waxaa bilaabmay dhac iyo boob, balse waxaa markiiba la isweydiiyey taasi ma ahayd wixii laga filayey maamulka Tuur?
La soco...
Top
Dil-Dilaacii
Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 89aad
Ganat: Dhaqanka ah in maydka wadooyinka lagu tuuro waxa la sheegaa inuu idinka joojiyay Fidal Castro (madaxweynaha Cuba), taasi ma runbaa?
Mingistu: Taa waxba kama jiraan, waana sheeko been ah, laakiin arrinta ah in maydka wadooyinka lagu tuuro waxay ahayd wax baryaha qaarkood la samayn jiray, waxayna socotay oo ay faraha ka baxday muddo ilaa 3 bilood ah balse wax badan may socon. Ka dib markii ay dibadda dhaliilo fara badani nooga yimaadeen, taasina ay dhaawac u gaysatay dhaqdhaqaaqii iyo kobcintii kacaanka, waxa hawl galay Taka Tulu oo ahaa taliyaha nabad sugida, wuxuuna ahaa shakhsiyad si cad hawlgasha islamarkaana uu dareenkiisu foojiganyahay, sidaa darteed inta uu xaaladda baadho oo uu kormeero fara badan sameeyo ayuu warbixino soo gudbin jiray, kuna dhawaaqi jiray in arrinta wax laga qabto, waxaana doodihiisa ka mid ahaan jiray "Waxay ila tahay in xadgudubyo aanu samaynay, mana aha in magaca kacaanka ay cid waliba adeegsato, oo ay fal dilmo ah kula kacdo dadka, gawaadhi ay dhacdo, islamarkaana uu qof waliba waxa uu doono sameeyo, isaga oo adeegsanaya magaca kacaanka, arrintaasi wakhtigan xaadirka ah way jirtaa, sidaa darteed waa in wax laga qabtaa."
Anagu waxaanu ahayn niman had iyo jeer mashquulsan oo aan wakhti haysan, waayo waxa na mashquuliyay hawlihii kale, balse waxaanu fahamnay inay jiraan niman ka faa’iidaysanaya magaca kacaanka oo waxyeelo fool xun dadka u gaysanaya, sidaa darteed markale ayaanu maamuladii qabeeleeyada dib u habayn ku samaynay, islamarkaana waxa la soo saaray sharciyo cusub.
Tusaale ahaan taliye unugyayaasha ilaaliya kacaanka ayaa inta la baadho firfircoonidooda iyo dareenkooda ayaa waxa la siin jiray tababaro ku filan, ka dibna waa la hubeeyay, laakiin qolooyinkii hore ee hubka la siiyay ee sida deg dega ahayd hubka iskaga qaadan jiray, ka dibna waxay doonaan samayn jiray, waxa lagu reebay dib u habayntii iyo xulistii la sameeyay.
Ganat: Qolyahaa aad xusheen laftoodu inay ololihii casaa khaladaad sameeyeen miyaanay jirin?
Mingistu: Horta aan mid ku waydiiyo haddii hilib uu dhulka ku dhaco oo laga qaado miyuu ciid la’aanayaa, markaa habkii aanu u shaqayn jirnay ma ahayn mid u eg sida ay maanta xaaladu tahay, waayo umaanu raaxaysan sida maanta loo raaxaysanayo, maxaa yeelay waxaanu anagu wadnay dhaqdhaqaaqyo kacaan ah, isla markaana waxa socday dhaqdhaqaaqyo iyo xiisado isbedel doon ah, kuwaas oo ka dhex socday bulsho balaadhan, sidaa darteed waxay ahayd duufaano wax hafinaya, miyaad garan karaysaa inta dal ama kooxood ee ku burburay arrimahaa, sidaa awgeed lama odhan karo khaladaad lama samayn, waayo intaa burbur ayaa jiray, imisa halgan oo xil lagu baadi doonayo ayaa jiray.
Ganat: Xubnihii Dhergiga qaarkood falalkii foosha xumaa ee ay galeen magacyadooda si wayn ayaa loo yaqaan, tusaale ahaan Malaku Tafara iyo xulafadii uu la socday ee gobolka Gondor dhalinyaro fara badan ayay halkaa ku xasuuqeen, oo xataa waxa la sheegaa inay dhalinyarada jararka ka tuuri jireen, markaa taas oo kale maxaad ka odhanaysaa?
Mingistu: Anigu in jararka cid laga tuuro iyo waxyaabo la mid ah toona maan maqal, mana aaminsani inay taasi jirto, laakiin run ahaantii Malaku Tafaru waxa uu ahaa nin yar oo kulul, isla markaana dulqaadkiisu wuxuu ahaa mid kooban oo dhaqanka askarinimada u janjeedha. Hase yeeshee gobolka Gondor ee uu Malaku Tafaru joogay maadaama uu xuduud la lahaa dalka Suudaan, isla markaana uu saldhig wayn u ahaa IHABA-da, SHACBIYA (jabhada Ereteriya) iyo Wayaahana (Tigray), sidoo kalena gobolka Gondor maadaama uu u dhawaa Tigray iyo Ereteriya waxa uu ahaa dhufaysyada waaweyn ee ay ku soo gabadaan Ereteriyiinta iyo Tigray. Tusaale ahaan gobolka Gondor waxa xiliyada qaar ka jiray xiisad aad u wayn, taas oo iskuuladii iyo dhakhtaradii la gubay, isla markaana dadweynihii la boobay, sidoo kalena saraakiishii iyo hawlwadeenadii hay’adihii nabadgelyada ee gobolkaa joogay gabi ahaanba waa la xasuuqay, taas oo aan xataa la reebin nin qudha oo boolis oo ka warama wixii dhacay.
Masalan nin taliye unug ah oo la odhan jiray Taase Gabre oo uu nin walaalkiis ahi gobolka Gondor badhasaab ka ahaa waxay u dileen si waxshinimo ah, iyo waran ku mud-muday, isla markaana meel kasta waxa lagu gawracay dad aan tiro lahayn, tusaale ahaan imisa ruux ayaa naftooda ku waayay gudaha magaalada Gondor oo kaliya, sidoo kale imisa halgamaa oo kacaanyahanada ka mid ah ayaa qudha laga jaray, arrimahaa miyaad IHABA-da wax ka waydiiseen...
La soco
Top
A.A.Garas
Halkani waa Raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhagaysataan mawjadaha yuuyuuban ee kaftan aqoonka ah iyo hirarka gaa-gaaban ee ilaaq buurka ah.
Akhyaarta indhaha giirgiiranaw waxaynu soo gaadhnay cagidii aan dambtaa idinkaga guri jirnay warkii dunida, waxaana maanta idinku dubayn doona Weriye Gacayr Booto.
Warkii Oo Fadhiya
Laba nijaar oo ka socda hay’adda xuquuq is-isaanka (amisti interanaash-naash) ayaa booqasho ku yimid carrada shanka roon land, booqashadaas oo il iyo dhegba lahayd waxay ku deecaamiyeen shankaroontu siday wax tidhaahdo.
Labadan nin oo midna nin cad ahaa, nina mid cawlan ahaa ayaa kulan u qabtay dad kala kaan ahaa oo ka kala yimid Jamhuuriyadda Shankaroonland iyo Jamhuuriyadda Soomaali u tali qabqable ama warlord Republic shirkaas oo ka dhacay hudheelka Hambasa dhoore, waxa lagu shukulay xaalka xurma aadanaadka iyo waxa laga yeelayo.
Mr. Nijaar Samiir iyo Mr. Marag hiil ayaa sheegay in ambiil u furanyahay qadafyadii xuquuqul aadanka ee dhacay xiligii dawladdii Soomaalidu sakaraadaysay iyo intii ka dambaysay ee uu socday kacaankii daydaygu, iyagoo yidhi dadkii gaystay gabashay leeyihiin, kuwii loo gaystayna samir bay leeyihiin, arrintuna xusuus bay leedahay si aan mar kale loogu anban.
Mar ay labadaa wiil ka sheekaynayeen raganimada ay shankaroontu leedahay waxay yidhaahdeen "Shii is fery guudh, gawso wayn, gofarmental", waxayna ku amaaneen sida xariifnimada leh ee daawaha loogu kaxeeyay shankaroonland-ta.
Waxa kale oo ay ragaasi la fajaceen sida ay shankaroontu ugu cayishay aqoonsi la’aanta ragaasi oo aan waydiiyay, maxaa anaga dawladayadii loogu diiday aqoonsi ee haddana nalaga doonayo, maxay hay’addiinu noogu doodi wayday, miyay jamhuuriyadayadu ka liidataa inan yar oo la kufsaday?
Waxay ku jawaabeen "Gar iyo waaq baad u yeelateen in citiraaf la idin siiyo, laakiin idinku waad ka maaranteen oo waad dhaafteen halkii la isku aqoonsan jiray, markaa dawladiina imika aqoonsi looma doonayo ee iyadaa ayaa dunidu aqoonsi u soo doonan doontaa."
Ragaasi waxay sheegeen in xiligan dunidu horumartay oo uu aqoonsiga laftiisuba ku dhex jiro internet-ka kaas oo dalkii buuxiya axkaamta dimuqraadiyadda uu aayar oo dhalatay kala soo baxayo weeb-saytka ciwaankiisu yahay habar yuu. Habar habar yuu. Habar yuu. Dimuq Dhot, Gumaysi At. Ogolow. Com
Atoobiya
Wefti askar ah oo amxaara ka sii ah oo ihaadhiig u dhashay ayaa subax dhawayd saqaafe ku yimid shankaroonland, askartaas oo darajadoodu dablayaal sare ahayd waxay kulamo la yeesheen ministarada daakhilka iyo ka duda, ka debeda, iyo wasiirka docda.
Weftigaas oo warkooda bacadka laga xereeyay, balse xantu waxay sheegaysaa in amuurtu basaasnimo u badnayd oo ay isku baadh baadhanayeen hay’adaha dheg ku xooglayaasha ah ee labada wadan iyo sii xoojinta xidhiidhka xanta iyo xuuraanka.
Weftigaas oo uu wenedhe ka ahaa Liqaanaha xukuma dabaqoodhiyada gobolka shanle ee soomaalidu degto intii ay safarkooda ku jireen waxay sahansadeen dekeda Berbera iyo baliga madaw.
Weftigani wuxuu ku soo beegmay xili jigir yari jirto, ka dib markii dabaqoodhiga ay leeyihiin ay soo dhax xuleen kobaha shankaroonta oo ay xatooyo ku xabaadheen gawaadhi ka cabaysay ceelka Garabiseed oo hawdka Hargeysa. Gawaadhidaas oo mid ka mid ah ay raran jirtay gaaladda dhulka fadhaa, waxa dhacsi ku furtay adhi jir deganayd Bali cabane.
Arrinta oo ka baxsanayd basaasnimada labada dal u dhaxaysa iyadoo ay dadka qaar ku tilmaameen basar-xumo hor leh oo dabaqoodhiyaysan.
Dalka Atoobiya oo indhawaalahanba xuduudkiisa dhacanta u jiiday, iyagoo ihaadhiigtu qufulka ku dhajisay arooradii shaarshaaridu iskaga gudbi jirtay, iyadoo ciidanka kumaandawska Atoobiya beryahanba ku jiray halgan huudhaydh la dirir ah, inkasta oo shankaroonta iyo Atoobiya uu hore uga dhaxayn jiray is-dhex jibaax shaarshaari oo aan cidina sumuli ka qaadi jirin ayaan la ogayn waxa ciideeyay xidhiidhka.
Xidhiidhka shaarshaarida oo salaxnaan jiray markii uu noolaa alle u naxariisaygii ina Cigaal, dhimashadiisii ka dib ayay Amxaaradu bilawday inay xuduudka inaga xidhato, iyadoo ay xukuumadda madaxyuubka shankaroonland lafteeduna furtay ka jabuuti oo hore qafil yari ugu xidhnaa, balse aanay aad u gargaraacin albaabka Atoobiya, waxa iyana soo xidhantay dhanka buuntlaan oo ay is tidhi xadhiga badso.
Si kasta ha ahaatee wararka iga soo gaadhaya dhinaca Atoobiya ayaa sheegaya in laga baqe qabo inuu soo cusboonaado mashruucii dagaalkii u dhaxayn jiray Amxaaradda iyo calaatariya.
Wararka cabsida iyo colaada saadaaliya ayaa ka fulanimo qaba in Afrikadan bari la isku rifo oo dalba uu dalka bari ka xiga uu weerar ku ekeeyo, iyadoo laga khoofsanyahay Calatariya inay Atoobiya soo daandaansato, Suudaana Calaatariya ku dhufato, Masarna Suudaan ku hinjiso, Atoobiyana Soomaaliya ku Hirgisto, Somaliland-na Buuntlaan ku hayl-haysho, Jabuutina Somaliland qanjiidho ku dhajiso, iyadoo lacagta dagaalka lagu galayona ay NGO-yada Carbeed ugu deeqayaan.
Kenya
Shirkii Ceel-Daarood ee lagu camcaminayay talada Soomaaliya ayaa la sheegay in shalay kaawo la sudhay oo loo jiiday xaga nayroobi, shirkaas ayaa markii la sii jiidayay gaadhi la gadoomay waxaanu dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay qaar ka mid ah qodobadii shirka lagu gaadhay.
Shirkan oo muddadii uu ka socday Kenya ay laba dawladood iska dumaaleen, isagoo wakhtigii hore ka socday maqaaxidii xisbigii hore lahaan jiray, ayaa loo soo raray qormo oo xisbigan dambe leeyahay, iyadoo la sheegay in qodobada shirka lagu gaadhay ay ka mid yihiin in ergooyinka rag iyo dumar la isugu guuriyo oo xero la isugu oodo gigtaa yaa wadani.
Darawalka cusub ee shirka loo dhiibay ayaa sheegay in lagu leeyahay lacag ciidaa iyo camaarkaa ka badan, loona baahanyahay duunyo kale oo shirkaa lagu sii ruquuso, iyadoo wadamada reer yurbaan iyo maraaykaanba hore duunyo doora ah shirka ugu caawiyeen ayaa dawladda kiiniya waxa lagu xamanayaa inay sheekada mashruucaysay oo ay shirka soomaaliya ka dhigatay NGO ay ku dawarsato.
Dhagaystaw maanta wararkii aanu carrada guudkeeda idiinka soo fara maroojinay intaasay ku gammuurran yihiin, eegana gabay geedkaa le’eg iga hooya.
Gabay Ma Qaloocshe
Jalxad weeye nabaduye, hadday naagi jebinayso.
Jajabkii ka soo hadhay, haddaan laad ku kala jeexo.
Jacaylkii docaysiga ahaa, haddaan galab ku jeesteeyo.
Jaajuur la moodyeey qalbigu jaandi kaa noqoye.
Markaad igu jiqsiisaan, abtaay kaa janjeedhsadaye.
Jubuq taani kaamaan ogoli, inaan jaale ku ahaano.
Afartaa ilaaqdaan ridiyo, ereyadaydii dheh.
Ildabaano laandayr heshiyo, oogta ka cadayn dheh.
Uurku buugle wiil shaacir iyo, aarkii guruxeed dheh.
Ina walan-walan Ilaaqdii Hurriyo, abase Raadyow dheh.
In Dhawaydba gabay aan dhuftoo, dhiijay muu jirine.
Dhaban dheg waan muudsan jiray, dhawr anoo maqane.
Bal dhagaysta caawana waxbaan, soo dheg-darayayne.
Dhudiyeey adduunyada dhanaan, dhaygag baa diliye.
Maraaykaan dhibi-shaxa, dhab uu halku laayo.
Hubka dhumucda wayn iyo, jigraha dhaartay soo guraye.
Golihii Amaankiyo la dhaaf, xeerarkuu dhigaye.
Dhakafaare reer Yurub, hadday dhumuc lahaayeene.
Kumana dhaco inuu fiito rido, dhidarkii Ruushaane.
Iyana way dhab-dhaba heesayaan, dhoohaneey carabe.
Dhugtaan Ciraaq lagu wadiyo, dhidibka duulaanka.
Saldhigyadooda sootaa la dhigay, lagu dhirbaaxaayo.
Dhamaantood waxay wada yihiin, dhinac maraaykaane.
Ma dhawayn markuu dhaansan jiray, dhaysa carabe.
Maxay kala dhuslaysaa, haddana dhiidhi damacdaaye.
Iska dhiciya waataad kufriga, dhab u jeclaydeene.
Dhoobi buu Usaamaba u yahay, dhoofka gaalada’e.
Dhito iyo shuraakay yihiin, labada dhaan-dhaane.
Waxa la iska dhaadhicinayaa, dhaanto aan jirine.
Way kala dhig Gaalkii Gadhliyo, kii gafuur madhane.
Kol hadaan maraaykaan cartankaygu, celinaynin.
Cir ha ula baxo Usaama, iyo ninkay ii cambariyeene.
Top
C.Fataax M. Caydiid
Tartanka Horyaalka Yurub Iyo Is-Araga Kooxaha Yurub
Bayer Leverkusen vs Newcastle
Paris (AFP): Kooxda Newcastle ayaa si aad ah ugu baahan in ay ku guulaysato ciyaarta ay maanta oo Salaasa ah la yeelanayso kooxda Bayer Leverkusen oo tababaraheedii Klaus Toppmoller uu ka tegay kooxda toddobaadkan. Labadan kooxood, midna wax dhibco ah kama helin labadii ciyaarood ee ay wejiga labaad ee ciyaaraha tartanka Horyaalka Yurub ciyaareen.
Kooxda Bayer Leverkusen, ayaa toddobaadkan ay kooxda Hansa Rostock kaga badisay 2-1, waxaanay tani ahayd ciyaartii 11aad ee laga badiyo 21-ciyaarood oo ay ciyaartay tartanka kooxaha Jarmalka (Bundesliga) xilli-ciyaareedkan sannadkan. Kooxdani, waxa ay ahayd sannadkii hore koox aad u dhisan, iyadoo wakhtigaa uu u ciyaarayay xiddiga Michael Ballack, waxaanay ciyaarihii Horyaalka Yurub ee sannadkii hore ka badisay kooxda Liverpool oo ay ku reebtay wareegii 8-da kooxood isugu soo hadheen (Quarterfinal), isla markaana ay u quus-goysay ciyaartii semifinalka kooxda kale ee Ingiriiska ah ee Manchester United, ka hore intii ayna guuldarro kala kulmin ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee ay kooxda Isbaanishka ah ee Real Madrid kaga badin. Laakiin markii ciyaartoyga Ballac iyo ciyaartoyga kale e reer khadka dhexe ka ciyaara ee u dhashay dalka Brazil, Ze Roberto ay u wareegeen kooxda Bayern Munich sannadkii hore, balse bedelkoodii ma noqon qaar buuxiyay kaalintii ay ka baxeen ciyaartoydaasi, jawaabta arrintaasina waxa la cararay oo la tegay tababare Toppmoller, waxaana tababare u noqday hadda kooxda si ku meel-gaadh ah tababaraha kooxda dhallinyarada ee Leverkusen.
Dhinaca kale, kooxda Newcastle waxa ay aad ugu baahan tahay dhibcahan, taas oo u sahlaysa in ay u gudubto 8-da kooxood ee ugu dambeeya haddii ay dhab ahaan doonayaan in ay u gudbaan kaalintaas.
Weeraryahanada Duo, Alan Shearer iyo Craig Bellamy, ayaa iyagu ka maqnaan doona ciyaarta caawa dhinaca kooxda Newcastle, taas oo ka timid ganaax ay heleen ciyaartoydaasi, iyadoo ciyaartoyga kale ee khadka dhexe ka ciyaara e Solano uu isaguna dhaawac uga maqnaan doono kooxdan Newcastle, waxaana hogaanka weerarka hor kici doona Shola Amoebi.
Tababaraha Newcastle, Robson, ayaa sheegay in ay faa’iido u tahay maqnaashaha uu ka maqan yahay tababarihii kooxda Leverkusen ee Toppmoller, taasi oo ah hadyad ciyaareed.
Arsenal vs. Ajax
Kooxda Arsenal oo ciyaaraheedii si sahlan u soo ciyaaraysay, hogaankana u haysa group B, kadib markii ay ka soo badisay kooxda AS Roma, barbarana la gashay kooxda Valencia, ayay ciyaarta caawa iskaga horiman doonaan kooxda kaalinta labaad kaga jirta Group B ee Ajax, waxaanay Arsenal toddobaadkan horaantiisii 2-0 kaga adkaatay kooxda weyn ee Manchester United oo ay ku reebtay tartankii koobka Ingiriiska FA Cup.
Laakiin, tababaraha kooxda Ajax, ayaa la dhacsan horumarka ay sameeyeen ciyaartoydiisa da’da yar ee kooxda ku jiraa, sida; Christian Chivu, ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara e Nigel de Jong iyo weeraryahanka reer Masar ee Axmed Xussaam oo dalkiisa Masar looga yaqaan "Hero" ama Geesiga.
"Kooxdani waa kooxdii ugu wanaagsanayd ee da’ yarta ahayd ilaa 1995-kii," ayuu yidhi tababare Koeman, isagoo tilmaamaya markii ugu dambeysay ee ay kooxda Ajax kdu guulaysato Horyaalka Yurub.
Laakiin, Koeman waxa uu intaa ku daray oo uu u sheegay Jariiradda Sunday Times ee ka soo baxda dalka Ingiriiska in kooxdan Horyaalka Ingiriiska ahi tahay mid ay xisaabta ku darsanayaan. "Hubaashii, waxa aanu ciyaartan isku dayaynaa wax kasta oo aanu karayno, laakiin waanu aqoon ayaanu u leenahay heerkayagu halka uu gaadhsiisan yahay," ayuu ku daray, waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; "Waxa jira faraq weyn oo uu dhexeeya hab ciyaareedka laga ciyaaro Holland iyo kuwa laga ciyaaro tartanka Horyaalka Yurub."
Roma vs. Valencia
Kooxda AS Roma oo ah kooxda kale ee aan wax dhibco ah ka helin laba ciyaarood, ayaa haddii ay ciyaartan ay la yeelanayso kooxda Valencia oo ay ku ciyaari doonnaan garoonka Stadio Olipico ee gurigeeda, siin doonna kooxdan uu hogaaminayo Fabio Capello in ay ku u fuullaan buurta tartanka.
Xidiga Francesco Totti, ayaa ciyaaraha dib ugu soo laabtay sabtidii toddobaadkan, laakiin ciyaartoyga reer Brazil ee khadka dhexe ka ciyaara Emerson iyo difaacyahanka reer Argentina Walter Samues ayaa ganaax uga maqnaan doona ciyaartan ay la ciyaarayaan kooxda Isbaanishka ah ee Valencia.
Barcelona vs. Inter Milan
Dhinaca kale, kooxda Barcelona ayaa intii uu Radomir Antic tababarnimada kooxda qabtay, ciyaartii ugu horeysay kaga badiyay 2-0 kooxda Espanyol sabtidii dhawayd ee toddobaadkan, waxaanay taasi u noqonaysaa tallaabo wanaagsan oo ay qaaday kooxda Barcelona ka hor inta aanay maanta ku kula kulmin kooxda Inter Milan garoonka Nou Camp.
Inkastoo kooxdan Barcelona uu heerkeeda ciyaareed aad u xummaa beryahan dambe, haddana waxay isku dayayaan in ay sii wadaan rikoodhkood oo aan 10 ciyaarood oo xidhiidh ah marna laga badin ciyaaraha tartanka Horyaalka Yurub.
Top
Hoggaanka Kooxaha Isbaanishka Oo Sii Galay Marxalad Adag |
Madrid (AFP): Kooxaha Real Madrid iyo Real Sociedad ee iskaga dambeeya hogaanka tartanka kooxaha Isbaanishka, ayay laduba guuldarooyin la kulmay toddobaadkan, taas oo ay si weyn u fureen in dariiqii hogaanka loogula tartami lahaa.
Hogaanka hogaanada Real Sociedad, ayay 3-2 kaga adkaatay kooxda Real Betis, balse waxa ay weli laba dhibcood ka horeysaa kooxda Horyaalka Yurub iyo Horyaalka Kooxaha Adduunka haysata ee Real Madrid oo ay khasaare soo baday toddobaadkan kooxda Osasuna oo kaga adkaatay 0-1.
Kooxaha Valencia iyo Deportivo La Caruna oo iyagu ugu soo dhow-dhow kaalmaha hogaanka, ayaa laduba soo hooyay guulo sabtidii toddobaadkan.
Kooxda Real Sociedad, ayaa 44 dhibcood oo ay ka urursatay 22 ciyaarood ku hogaaminaysa, kaalinta labaadna waxa ku jirta kooxda Real Madrid oo 42 dhibcood leh, Valencia ayaa iyadu sii haysata kaalinta saddexaad oo leh dhibcaha Real Madrid haysato in le’eg oo ah 42 dhibcood, waxaanay Real ku horeysaa dhinaca gool-tirsiga, halka ay Deportivo kaalinta afrad kaga jirto oo ay leedahay 39 dhibcood.
Real Sociedad, ayaa u muuqatay in ay ka faa’iidaysanayso khasaarihii ugu horeeyay ee 16 ciyaarood ku yimaada kooxda Real Madrid, kadib markii ay 2-1 ku hogaaminayeen iyadoo in ka yar shan daqiiqadood ay ka hadhsan tahay dhammaadkii wakhtiga ciyaarta, balse ciyaartoyga difaaca ka ciyaara ee kooxda Betis Iulian Filipescu uu goolkii barbardhaca keenay, kaas oo ahaa goolkiisii ugu horeeyay laba xilli-ciyaareed waxaanu goolka dhaliyay daqiiqadii 86aad. Laakiin, Real Betis, ayaa Saddex dhibcood hantiday, kadib markii ay heshay rigoore daqiiqadii 4aad ee wakhtiga dheeraadka ah ee garsooruhu ku daray wakhtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta, kadib markii ciyaartoyga Dani Martin dhulka loogu tuuray khadka 18aad dhexdiisa ee goolka Sociedad. Kooxda martida ahayd ee Sociedad, ayaa ka shoobaraysay, kuna dooday in aanu ciyaartoyga Igor Jauregi taaban ciyaartoyga Betis, kaas oo ciyaaray ciyaartiisii ugu horeysay muddo 10 bilood ah, kadib markii dhaawac khatar ahaa ka gaadhay jilibka, laakiin taasi waxba kama bedelin go’aankii garsooraha ciyaartu qaatay, Fernando Fernandez ayaa laaday rigoorihii dhaliyayna.
Ciyaartiina waxay ku soo gebo-gebowday 3-2 ay Betis ku guulaysatay ciyaartaas.
Ciyaartoyga Fernando Fernandez, ayaa goolka hore ee ay ciyaarta ku bilowday Betis dhaliyay daqiiqadii 12aad ee ciyaarta, halka uu Nihat kahveli uu u dhaliyay labada gool ee Sociedad, waxaanu dhaliyay 5 daqiiqadoo gudahood.
Dhinaca kale, Christian Manredini ee kooxda Osasuna, ayaa ahaa ninka masuulka ka ahaa dhul u dhaca Real Madrid, taas oo ahayd markii labaad ee ay kooxda Real Madrid la kulanto khasaare xilli-ciyaareedkan. Waxa ay ahayd Christian Manfredini, ciyaartiisii labaad tan iyo intii uu bishii hore uu amaah kaga soo wareegay kooxda Lazio. Ciyaartoygan dhexda uga ciyaara kooxda Osasuna oo uu asal ahaan ka soo jeeda dalka Ivory Coast ee qaarada Afrika, waxa uu muujiyay in waxoogaa la qabsasho la’aantii jewiga cusub ee uu yimid uu ka baxayo, waxaanu daqiiqadii 38aad dhaliyay gool xawaare hoose ku duulayay oo uu ka dhaliyay kooxda Real Madrid.
Kooxda martida loo ahaa ee Osasuna, ayaa mar labaad uu u dhallin gaadhay gool labaad ciyaartoyga reer Ustaraaliya John Aloisi, kadib markii uu birta ku garaacay kubad uu meel dhow kaga laaday goolka.
Kooxda Real Madrid, ayaa iyadu uu ka lumay deganaashihii ciyaartu, waxaanay taasi keentay in kooxda Real Madrid laga saaro hal ciyaartoy, kuna ciyaaraan 10 ciyaartoy oo keliya wakhtigii ciyaarta ka hadhsanaa.
Top
|