Dagaalka Xukuumadda Madaxweyne Rayaale La Gaadayo Saxaafadda Madaxa-Bannaan
Mujaahid Axmed Jimcaale: Maayorkii Ugu Dambeeyay Ee Laga Soo Doortay Hargeysa 1969-Kii
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shalay Booqasho Kedis Ah Ku Tegay W/Biyaha Hargeysa
Hawl-Wadeeno Ka Tirsan Madbacadda Qaranka Oo Xabsiga Loo Taxaabay
"Waxaanu Mar Kale Caddaynaynaa Inaan Mowqifkii Beesha Waxba Iska Beddelin"
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Sidani Waa Guurti Madaxweynuhu Leeyahay
Sooyaalka Taariikhda Iyo Dirirta Togan
Gebilay Waxay Hoggaaminaysaa Horyaalka Dimuqraadiyadda Somaliland
Sidee Loo Kala Qaadaa Xanuunka Qaaxada Ama Tb'da?
Wararka Dibada
Dawladda Sucuudiga Oo Ka Digtay Weerar Lagu Qaado Ciraaq
134 Qof Oo Ku Dhintay Tareen Ku Gubtay Kuuriyada Koonfureed
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
IRMAANTA SUUGAANTA
Degga Oo ka Dhaca
WAADIGA CIYAARAHA
Alex Ferguson Oo Saxaafadda Ingiriisu Daba-Gal Ku Samaynayso
Arsenal Iyo Chelsea Oo Isku Beeg Ciyaaraha FA Cup |
|
Dagaalka Xukuumadda Madaxweyne Rayaale La Gaadayo Saxaafadda Madaxa-Bannaan |
Waxa beryahan dambe warbaahinta (Mass Media) laga dareemayay faragalin xoogan oo kaga imanaysa dhinaca xukuumadda madaxweyne Rayaale.
Fara galintani waxay soo shaacbaxday ka dib markii badhtamihii bishii December 2002, kooxo suxufiyiin ahi ay ku dhawaaqeen "Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan ee Somaliland" oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan "SSJW" oo xukuumaddu u aragtay arrin lagaga hortagayo qorshe ay iyadu wadatay oo ay ku doonaysay inay samayso urur saxaafaddeed ay dawladdu faraha ku hayso, waxa kale oo xukuumadda Daahir Rayaale u Aragtay ururka SSJW mid carqalad ku noqon kara qorshe ay damacsanayd inay sharci gooni ah ugu samayso saxaafadda dalka.
Waxa la aaminsanyahay inay Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkiisa Warfaafintu ay dabinka ay doonayaan inay saxaafadda ku xakeemeeyaan ay dardar galiyeen, ka dib markii ay dhawaan saxaafadda madaxa banaan ee dalku baahisay qoraalo ka hadlaya falalkii xasuuqa ahaa ee Somaliland ka dhacay sanadihii 1988/1989 taas oo Madaxweyne Rayaale ay dadkii arrintaa ka hadlay isaga laftiisana u sibir saareen arrimahaa, laakiin wasiirka warbaahinta C/laahi M. Ducaale u 6-dii bishan ku dhawaaqay siday uga go’antahay dawladda inay hirgaliso waxa u ugu yeedhay "sharciga saxaafadda".
Go’aankan waxa wasiirku ka soo jeediyay kulan maalintaas (06/02/03) ka dhacay wasaaradda warfaafinta oo ay ka soo qaybgaleen guddi uu isagu hore ugu xilsaaray qabanqaabinta shirwayne lagu aasaasayo urur saxaafaddeed ay dawladdu wadato, iyada oo laba maalmood ka dib (08/02) u shirkaasi ku qabsoomay hudheelka Ming Sing ee ku yaala magaalada Hargeysa, halkaas oo lagaga dhawaaqay urur saxaafadeed cusub oo la magac baxay "Ururka Suxufiyiinta Somaliland" ama "SOLJA).
Inkastoo xubnaha qabanqaabiyay shirkaasi iyo kuwo markii dambe noqday madaxda ururkaas cusubi ay ahaayeen isla dad qudha oo badhkood ka tirsanaayeen wasaaradda warfaafinta kuwa kalena ahaayeen hantiilayaashii qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay oo iyagu ah kuwii ay saxafiyiintu ka samaysan lahaayeen urur saxaafadeed u dooda xuquuqdooda, haddana xukuumadda Somaliland waxay maalintii doraad soo saartay dikreeto ay ku sheegtay "Inay si rasmi ah u aqoonsatay ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOJA inuu yahay urur saxaafadeedka ka jira jamhuuriyadda Somaliland."
Dabcan ujeedada Madaxweyne Daahir Rayaale iyo C/laahi M. Ducaale ay ka lahaayeen dikreetadani waxay ahayd inay muujiyaan in urur kale oo aan ahayn ka xukuumaddu samaysatay (SOLJA) aanu ka jiri karin dalka.
Haddaba su’aashu waxay tahay xukuumaddu awood ma u leedahay inay iyadu bulshada u samayso ururo, ama ay qaarna aqoonsato qaarna takoorto.
Dabcan jawaabtu waa maya oo sida la ogsoonyahay xukuumaddu awood distoori ah uma laha inay soo faragaliso ururada bulsho ama siyaasadeed ee ay dadku iskood u samaystaan.
Sidaas darteed ficiladan xukuumaddu dhawaan ku talaabsatay waxay u muuqdeen kuwa ay doonayso inay ku baajiso suxufiyiinta diidan inay karaamadooda kolba cid ka iibiyaan. Mana qabno in ururkaa SSJW ee madaxa banaan u dawladda sidaas ugu soo gacan gali doono. Waana iska caadi oo balwad ay xukuumaddu iska leedahay in markay aragto dadka oo samaysanaya wax wanaagsan ay wax siloon ka garab samayso.
Haddii aanay dawladdu garan karayn kaalinta ay saxaafadda madaxa banaani ugu jirto dalka, waxay taasi ka dhigantahay oo kale sidii caruur aabahood ka dhaxlay duunyo badan oo siduu ku dhaqday aan ogayn oo ku loofaray.
Xukuumadda oo laga aqbalay in iyada oo adeegsanaysa xoog iyo xoolaba wixii ummadda ka dhaxeeyay in doorasho lagula tartamo, ayaa iyada oo caynkaas ah ay imikana u soo dhigatay saxaafadda madaxbanaanideeda si ay u hoos keento xisbigeeda UDUB iyo inay dallo u hesho sidii ay saxaafadda madaxa banaan u aamusiin lahayd mar kasta oo ay doonto. Laakiin su’aasha isweydiinta leh ee meesha taal waxay tahay taasi ma u suurtoobaysaa xukuumadda madaxweyne Rayaale, jawaabtu waa maya.
Top
Mujaahid Axmed Jimcaale: Maayorkii Ugu Dambeeyay Ee Laga Soo Doortay Hargeysa 1969-Kii |
Waxa magaalada Hargeysa 34-sanadood ka dib markii ugu ugu horaysay xilkii maayarnimada Hargeysa la wareegay masuul si dimuqraadiyada xilka maayarnimo ay shacbiga cod ugu soo doorteen, inuu ka mid noqdo golaha deegaanka isla mar ahaantaasina waxa sidoo kale cod aqlabiyad ah ugu doortay maayarnimda golihii deegaanka ee uu ka mid noqday.
Duqa cusub ee Hargeysa oo ah nin dhalinyaro ah oo mutacalim ah, nasiibkiisuna uu siiyay inuu mudada dabadeed noqdo maayar codka shacabka ku yimid, ayaan jeclaystay bal in aan halkan ku xuso maayarkii ugu dambeeyay ee si dimuqraadiya Hargeysa looga soo doorto, kaa oo ahaa Mujaahid Axmed Jimcaaleh.
Haddaba 34 sanao ka hor maayarkii madaniga ahaa ee u dambeeya ee si dimuqraadiyad ah llaga doorto magaalada Hargeysa wuxuu ahaa Mujaahid Axmed Maxamed Guuleed oo dadka intiisa badani u yaqaanaan Axmed Jimcaale. Axmed Jimcaale waxa uu ahaa siyaasi wayn oo reer Somaliland ah. Axmed Jimcaale wuxuu ahaa mujaahidkiiii Somali National Movement (SNM). aasaasay loona doortay hogaaminteeda 1981-kii. Taariikhda uu ku leeyahay SNM-ta na waa mid sharaf wayn leh. Sidii marxuumkii madaxweyne Cigaalba jiilka cusubi wax badan uga aqoon intii aanu madaxweyne noqon Somaliland ayaa Mujaahid Axmed Jimcaale-na aanay wax badan uga aqoon jiilka cusubi maanta.
Haatanse reerkiisii iyo carruutiisii ayaa ku soo laabtay Somaliland si ay uga qayb galaan dhismaha wadankooda. Ragga ay isku fil ama fasal ahaayeen waxaa ka mid ahaa Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Marxuum C/laahi Ciise, Marxuum C/Raxmaan Gadhyare, Axmed Yuusuf Ducaale, Marxuum Sultan Rashiid, Marxuum Aw Axmed Xasan iyo Marxuum Michael Mariano.
Doorashooyinkii dawladaha hoose ee Hargeysa waxay dhaceen March 1969-kii waxaana ku tartamayay xisbiyo badan. Mujaahid Jimcaale waxa uu ka sharaxanaa oo uu ku jiray xisbiga la odhan jiray Geedeeble, waxaana uu kula tartamayay oo isaguna musharax ahaa C/laahi Oomaar inkastoo markii dambe laga reebay C/laahi Oomaar isaga oo shuruudihii looga baahnaa buuxin waayay. Waxaana si buuxda oo aqlabiyad ah ugu guulaystay duqa caasimadda Hargeysa Mujaahid Jimcaale.
Mudadii uu xilka hayayna waxa ay ahayd muddo gaaban oo ilaa 7 bilood oo kaliya waxana xukunka la wareegay taliskii Siyaad Barre kaa soo mujaahidka markiiba ay iska horyimaadeen oo 1972 u taxaabay xabsiga. Halkaas oo mujaahidka loogu gaystay jidh dil iyo naxariis darro. Taasina ay dhidibada ay u sii aastay Somalilandnimada mujaahidka wayn.
Inkastoo mujaahidka muddada uu hayay xilka ku yarayd haddana wax qabadkiisu oo kooban waxa ka mid ahaa "isagoo sameeyay astaanta dawladaha hoosee Hargeysa ilaa imka loo isticmaalo oo labada buurood ee Naasahablood.
Waxa kale oo mujaahidka wax ka bedelay xafiisyada xarunta dawlada hoose kuwaas oo ahaa kuwo qabyo ah, isla markaana isku wada furan oo bilaa nidaam ahaa. Kuwaas oo uu dayac tir ku sameeyay xafiisyadiina kala xidhay oo nidaamiyay ilaa haddana sidii aan waxba looga badelin oo loogu shaqeeyo."
Dhinaca kale waxa uu ahaa mujaahidku mid shacbiyadiisu fiicantahay. Axmed Jimcaale wuxuu ahaa nin da’yar oo mutacalim ah wuxuu raggii ay wadanimada ay u qabeen Somaliland ay soo celisay wadankooda hooyo, isaga oo shaqo wanaagsan ka haysta dalka Sacuudi Arabia. Waxaa loo arkayay mujaahidka nin yar oo mutacalim ah oo dedaalaya oo mutaystay in la doorto. Dadkuna kalsooni buuxda ayay ku qabeen isna dadkiisa iyo dalkiisa si daacad ah ayuu ugu shaqeeyay, Mujaahid Axmed Jimcaale baal dahab ah ayuu kaga qoran yahay taariikhda Somaliland.
Maantana maayarka cusub ragga aynu ku qiyaasnaa waa inay ninkaa soo kale ay noqdaan. Ninkaa ay taariikhdu ay isku xigsiisay. Runtii ma aha cadaalad inaynu filasho caynkaas ah maayarka cusub saarno, laakiin si aynu wixii inaga tagay sanadihii xooga la inooga haystay aynu u soo ceshano waa inaynu wakhti walba kor haybinaa oo aynu meel dheer wax ka eegnaa. Maayarkan cusubna kalsooni wayn baa lagu qabaa inuu noqdo kii karti iyo cadaalad la yimaada. Waxaan u rajaynaynaa inuu Ilaahay u fududeeyo xilkaa wayn.
C/Rashiid Maxamed Cumar
Hargeysa
Top
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shalay Booqasho Kedis Ah Ku Tegay W/Biyaha Hargeysa |
Hargeysa (Haatuf) Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyaan wasiirka macdanta iyo laba mudane oo ka tirsan Guurtida ayaa shalay socdaal kadis ah ku tagay xarunta wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo masuuliyiinta la socday waxay tageen xafiiska maareeyaha si ay wax uga waydiiyaan masuuliyiinta wakaaladda biyaha sababta keentay biyo la’aanta maalmahan sida wayn looga dareemay magaalada Hargeysa, laakiin waxa waqtigaa wakaalada ku sugnaa maareeye ku xigenka.
Wuxuuna madaxweyne xigeenku waydiiyay ceelasha shaqeeya iyo mushkilada jirta.
Hase yeeshee maareeye xigeenka wakaaladda biyaha ayaa u sheegay madaxweyne xigeenka inay shaqeeyaan 8 ceel shan kalena la sameeyay, laakiin wuxuu u macneeyay in 2ba ka mid ah aan mishiinadii la saarin ayuu yidhi Maareeye xigeenku.
Madaxweyne xigenka xogwaran kooban ka dib wuxuu u sheegay masuuliyiinta wakaaladda inay wixii dhibaato ah ee ka jirta dhinaca biyaha iyo wixii dayactir ah ee loo baahanyahay ay warbixin uga soo gudbiyaan oo maanta xafiiska ugu keenaan.
Wasiirka macdanta iyo biyaha ayaa isna sheegay masuuliyiinta wakaaladda in la qabanayo workshop lagaga hadlayo sida kor loogu qaadi lahaa biyaha ama loo raadin lahaa ceelal kale. Dhinaca kalena booqashada madaxweyne ku xigeenka ee kadiska ayaa ku soo beegantay iyadoo ay maalmahan biyo la’aan ba’ani ay ka jirto magaalada Hargeysa. Isla markaana ay shacbiga magaaladu isweydiiyaanayaan sababta ay xukuumadu wax uga qaban wayday biyo la’aanta soo noqnoqatay.
Top
Hawl-Wadeeno Ka Tirsan Madbacadda Qaranka Oo Xabsiga Loo Taxaabay |
Hargeysa (Haatuf): Saddex xubnood oo ka mid ah hawl-wadeenada iyo shaqaalaha mad-bacadda qaranka ayaa doraad xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo hadda ku xidhan saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.
C/raxmaan Xirsi Jaamac oo ka mid ah xubnaha la xidhay ayuu weriyeyaal Haatuf ka tirsani doraad kula kulmay dhismaha saldhigga dhexe hortiisa, iyadoo ay markaa katiinad kaga xidhan tahay labada gacmood, ka dibna mar ninkaa wax laga waydiiyey sababta xadhigooda waxa uu sheegay inaanu garanayn sababta loo xidhay, isaga oo yidhi "Ma garanayno sababta naloo soo xidhay, mana jirto wax aanu samaynay, laakiin sida naloo sheegay ninkaa Siyaad ayaanu u xidhanahay", balse ninka uu C/raxmaan carabaabay waa sarkaal ka tirsan hanti-dhawrka guud, sidaa darteed hanti-dhawrahaa oo wax laga waydiiyey xadhiga nimankaa ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo xadhiga nimankaa, wuxuuse qirtay inay hanti-dhawrku soo xidheen, isaga oo si kooban u yidhi "Anagaa soo xidhnay nimankan."
Dhinaca kale sarkaal ka tirsan ciidanka booliska ayaa Haatuf u sheegay in hawl-wadeenada mad-bacadda Qaranka ee la xidh-xidhay lagu eedaynayo inay sameeyeen jiiwano been-abuur ah, ka dibna ay jiiwanadaa been-abuurka ah iibsadeen, wuxuuna sarkaalka booliska ahi intaa ku daray in kiiskaa baadhistiisii lagu jiro.
Madbacadda Qaranka ayaanay mudooyinkan dambe shaqadeedu fiicnayn, ka dib markii sida la sheegay ay soo gaadheen dhaawacyo dhinaca farsamada ah oo sababay inay fadhiisato, iyadoo aan hadda shaqayn.
Wargeyska afka dawladda ku hadla ee Maandeeq oo lagu daabici jiray madbacadda Qaranka ayaa hadda lagu daabacaa mid ka mid ah madbacadaha gaarka ah ee magaalada Hargeysa.
Top
"Waxaanu Mar Kale Caddaynaynaa Inaan Mowqifkii Beesha Waxba Iska Beddelin" |
Bayaan Beelleed
"Ku: Gudoomiyaha gobolka Togdheer.
Og: Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer.
Og: Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Togdheer.
Ujeeddo: Cadayn iyo wargelin
Tixraac bayaankii ku taariikhaysnaa 2/2/2003 ee ka soo baxay magaalada Burco, ayna soo saareen beesha Gaashaanbuur oo ka kooban "Axmed Faarax, Beyle Faarax iyo Faahiye Faarax"., bayaankaas oo ku saabsanaa inaanay beeshu wax aqoonsi iyo wada shaqayn ah la yeellan doonin maamulka degaanka ee is magacaabay, iyadoo aan loo dhamayn, kaas oo laga leexiyey sifadii axsaabta ilaa inta laga saxayo.
Hadaba hadii aanu nahay cuqaasha, wax garadka iyo odayaasha beesha ee ku saxeexan waxaanu mar kale u cadaynaynaa Xafiisyada ay warqadani khusayso in beesha mawqifkeedii uu sidii hore yahay oo aanay waxba iska bedelin, sidaa darteed waxaanu ku wargelinaynaa Xafiisyada dawladda dhexe iyo cidii kale ee nabadgelyada iyo xasiloonidu khusaynaysaba inaanaan wax cashuuro ah iyo wax hawl-gal xafiis degaan aanay khusayn muwaadiniinta reerka u dhashay ilaa inta laga saxayo khaladaadka distooriga ah ee laga galay, hadii ay dhacdo in wada hadal iyo heshiis hortii in awood wax lagaga fuliyo, iyadoo la adeegsanaya magaca dawladda hoose ama gole degaan wixii dhibaato ah ee ay la timaado arintaasi waxay masuuliyadeedu qoorta u sudhan tahay cidii ku talaabsata".
Magacyada Cuqaasha
1- Caaqil Xasan Dhuuxyare
2- Caaqil Cawil Cabdi
3- Caaqil Saleebaan Aadan
4- Caaqil Cabdi Xaaji Diiriye
5- Caaqil Khadar Cabdi
6- Caaqil C/raxmaan Cawed
7- Caaqil Cismaan Saleebaan
8- Caaqil C/raxmaan Timir
9- Caaqil Axmed Ibraahin Cismaan
10- Caaqil Axmed Maxamud Gaade
11- Caaqil Axmed Bidde Mire.
Top
Waa Sidee Qorshaha Hay’adaha Jooga Somaliland?
Tix-raac maqaalkii uu qoray gudd. Gobolka Awdal ee 17,2,2oo3.
Guddoomiye, waxa laga yaabaa in aanad la socon qorshaha hay’adaha qaramada midoobay oo ay hormood u tahay UNDP, hay’adahaas oo wax-qabad guud la leh hay’adaha ajnebi ee jooga Somaliland, ee loo degeye Somaliland kadib ansixintii Carta, magaalada Jabuuti, qorshaha la gaadhay marka aan fikradayda gaarka ah ka hadlo waa sedan:
-
In saddexda sano ee ku meel-gaahdka ah aan wax wax-ku-ool ah laga qaban inta somaliya ina soo gaadhayso.
-
Si loo hakiyo wax-qabadka, dadkana loo qanciyo waxa la qorsheeyay in bulshadu qiimaha mashruuc kasta bixiso 30%. Aniga oo had iyo jeer ku dedaali jiray in umadda wax loo qabto, waxa aan ku taliyay in aanay macquul ahayn, sababtuna tahay nin aan qado haysan ma bixin karaa 30% qiimaha mashruuca biyaha Boorama ee lagu qiyaasay ($1,6oo,oo0), inkasta oo aan eeday, arrintu waxa ay noqotay maya, hase yeshee muddo dheer ayay jiitamaysay.
-
In hay’adaha laga caydhiyo aqoonyahanada sare ee u dhashay Somaliland, si awood loogu helo in lagu beddelo dad awaamiirta fuliya, kana mid yihiin Somali u dhalatay koonfur oo Nairobi laga keeno.
-
In qaar ka mid ah wasiirada/D.J-yada wasaaradaha Somaliland iyo hay’adahu is-fahmaan, in la helo dhaqaalihii lagu xakamayn lahaa odayaasha/wax-garadka reerka e qaad loogu qaadi lahaa. Madaxdu waxay u kala baxaan qaar mashaariicda dilaala iyo qaar hay’adaha gaysta dad iyaga ka tirsan oo aan markaa dan gar ah mooyee, dan umadeed fulinayn, iyaga oo isku halayn qaba.
Haddaba, guddoomiye hay’adaha aad carrabka ku dhufatay waxa waaxda caafimaadka ka madax ah nin reer koonfureed ah. Ninkani waa;
-
Ambassador-ka C/qaasim Salaad Xasan, oo aan xidhiidhka mobilkiisu kala go’in.
-
Halkii uu dhakhtarada u faa’iidayn lahaa, waa ninka kolba Wasiirka caafimaadka u dira ‘Siminaar’ huwan magaca Somaliya, si ay Somaliland lidi ugu noqoto.
-
Waxa gobol walba u jooga NGO hay’adda kaga diiwaangashan ‘Partner NGO’
-
Waxa uu ka sii faa’iidaystay hay’addan oo madaxdii sare ee wax-garadka ahayd, waxna Somaliland u qaban jirtay, oo ay ugu dambaysay sanadkii 2oo0.
Guddoomiye, haddaba haddii aad ogaatay xaqaa’iqdii wax-qabad la’aanta hay’adaha, fadlan sii Dawladda Somaliland taladii aqoonta sare ee reer Somaliland u heli lahaayeen, fursad ay umadooda, halka dadka ajnebiga ah loogu faa’iidaynayo (consultants/permanent staff).
Mushaharka la siin karo aqoonyahanka u sareeya Somaliland, ma gaadho 20% ta ninka ajnebiga ah. Waxa ka daran mucaawimada la inoogu deeqo oon in badani iman Somaliland.
Cali Haybe Maxamed, Hargeysa.
Top
Sidani Waa Guurti Madaxweynuhu Leeyahay |
Golaha Guurtidu wuxuu u taaganyahay tiirka dawladnimo ee hab dhaqankeeni bulsheed kasoo jeedo; hab dhaqankeena bulsheed oo lawaafajiyo, nidaamkeena dawladeed ee casriga ah, waa arrin dan u ah dhismaha Qaran tiirar adag kutaagan. Taasoo ujeedada ka dambaysay ay tahay sidii qarankeena looga badbaadin lahaa burbur maalin qudha kuyimaada tiirarka qaran iyo jiritaankeena dawladuba sidii dawladdii Siyaad Barre, balse xeerkan xukuumaddu usoo gudbisay golayaasha baarlmaanka, ee 9ka qodob ka kooban waa xeer aan dan qaran iyo ummadeed midna aan ku fadhiyin baIse, sheegayo in ladhiso Gola Guurti oo Madaxweynaha Somaliland yeelanayo awoodahan qoran ee kursiga Madaxweynaha lagu soo ruriyey, waa arrin keli talisnimo abuuraysa, oo salka kuhaysa dhisidda qaran maalin qudha ku burburaya oo M/Weynuhu burburin karo cidkastana ay isaga hoostimaado.
Qodobka 1aad
Xubinta Guurtida ah ee xeerkan ku timaada waxay ku khasbanaan inay taageerto xisbiga madaxweynaha.
Inaguna waxaynu doonaynaa in dalkeenu uu lahaado Gole aasaas qaran ah, oo haddii M/weynhuhu khaldamo isagu ka qaban karo shacbiga, haddii shacbigu ku qaldamaan xuquuqaha qaranimona iyagu
Ka dhaadhicin kara, oo haysta kalsooni kaduwan oo ka madaxbanaan M/weynaha iyo xisbigiisa, tusaale ahaan dhaliilaha xeerkan cusub kujira waxa mid ah: -
Qodobka 2aad
Cidda Xulaysa Xubnaha Golaha Guurtida
Xeerkani wuxuu odhanayaa Guurtida waxa soo xulaya 7 xubnood oo uu M/weynuhu magacaabay. Marka ceebta ugu weyn waxa weeye gole dhan oo ay soo dhiseen 7 xubnood oo shaqsi u diray, weliba nin gudoomiye xisbi ahoo tartan ku j ira waxa haboonayd in Qodobkaasi uu noqdo xubnaha Golaha Guurtida, waxa lagu soo dooranayaa hab beeleed, bee I kastana saamiga xubnaha guurtida ee ku soo hagaaga waxa soo xulaya madax dhaqameedyada beeshaas, kadib markay beeshu shirar badan iyo wada tashi hufan usameeyaan, waxaa shirka ugu dambeeya ee beeshu yeelanayso goob joob ka noqonaya 3 xubnood oo gudiga Degmada ee beeshu joogto ee degaamada la doortay ka mid ah iyo xubnaha gudiga doorashooyinka Ikamida waana in caaqilada, suldaanada beeshaas ay soo saxeexaan.
Qodobka 3aad
Xilliga Xulista Xubnaha Guurtida
Xilliga xulista xubnaha Golaha Guurtidu wuxuu bilaabanayaa bil ka hor xilliga uu dastuurku qeexayo in Guurtida la doorto, waxana ay natiijadu soo baxaysaa bil ka hor xilliga wakhtigoodu ku egyahay oo ah 25 April, waxaana ku dhawaaqaya xilliga xulista Golaha Guurtida gudiga doorashooyinka qaranka waxana ansixinaysa oo si rasmi ah ugu dhawaaqaysa liiska Guurtida cusub maxkamadda Sare.
Qodobka 7aad
Mudada Golaha Guurtida
Mudada Golaha Guurtidu xilka haynayo waxa caddeeyey dastuurka, oo waa 6 sanadood, cid badali kartaana majirto haddii Golaha Wakiilada loo kordhiyo iyo haddii la kala dirana iyaga waxba kama khuseeyaan maxaa yeelay beeluhu maaha xisbiyo tartamaaya oo ubaahan wakhti dheer oo ay bulshadooda kalsooni ka doontaan.
Gunaanad
Hadaba si aynu u badbaadino kalsoonida golayaasheena qaran waa in 25ka bisha April bil horteed aynu imika sii dhisano Gole Guurti oo beeluhu soo xuleen. Kuwaasoo kamadaxbanaan xisbiyada tartamaya, Golahaasoo haddii dhamman doorashooyinku dhici waayaan isagu noqon doona Gole lagu kala badbaado.
Cali Dool Axmed (Cali-Qoryoolay)
Top
Sooyaalka Taariikhda Iyo Dirirta Togan |
Q: 2aad - Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba)
Akhristow si kastaba arrinku ha ahaado eh, haatan Somaliland waxay soo gaadhay heer aan la odhan karin waa 1991, 1992,1993, iyo wixii la mid ah,dalku iyo dadkiisuba waxaan odhan karaa bisayl ahaan waa ka xoog iyo itaal badanyahiin wakhtigaasi, waa ka aqoon iyo fikir dheeryihiin ammintaasi, waa ka ficil iyo odhaah dheeryihiin goortaasi, wakhtigu maaha xilligii lagu jiray is jiid jiidadka iyo "yaa reer hebalay" waxaa taasi marag ma doonta u ah doorashadii dalka ka dhacday, waxaa iga su,aal ah oo aan weydiinaya dadka ay shacbiga reer Somaliland u garteen xilka inay haatan u hayaan su,aalahani:
Waar waa maxay siyaasaddan aan saadasha iyo sargoyntaba lahayn ee aad dalka ku xukumaysaan halkeese Somaliland loo wada?
Soo noqodka Tuur ma waxaanu u turjumana cahdi labaad mise Mudanayaal waxaad kaga dhigteen Hanti wadaagii siyaad barre kuwii ugu xukunka adkaaba waa kuwano madaxda noqda eh markan waa markii la tijaabin lahaa gacanta aamin darrada?
Waxaan si toos ah su’ashan u weydiinaya golaha barlamaanka oo ah golaha aan anigu u aqaano (golaha xisaabtanka iyo dabagalka hantida qaranka)ma waxa loo igmaday hantidii qaranka inaad ku soo celisa dalka nidaamkii laga faraxashay mise waxba ma ogidin oo waxaad tahiin hal bacaad lagu lisay oo jeebka ayaa la idin wada geshaday?
Su’aashan waa mid toos ugu socota golaha odayaasha, golaha indheer garadka, golaha aan u aqaano maskaxda togan, Idinka ka shaqeeyey oo ku magacaaban markay noqoto nabadaynta qarankan idinka ayaa shacabku idin soo eegayaa marka ay dhacaan wax ka itaal waynaada dhamaan bulshada inteeda kale Mudanayaal halkeed ku laasheen qaranimadii xoogeeda la idiin unkay mise idinkuna waxaabad noqoteen qaar haasawaha riyaale la hadaaqay sidii wiil guur meer ah?
Waxaan la hadlaya oo aan weydiinaya shacabka Somaliland su,aal la mid ah ta uu hor dhigay aqoonyahanka aan runtii miisaankiisa meel aan dhigo aanan garanayn ee qurbaha idiinka soo diray waa Mujaahid Aniis su,aashaasi oo xikmadaysanayd waxay u dhigantahay sidani:-
"Ka i daadaheeyee danahayga wada iyo
Ka i daalinaayeen danbiyada iga galay
Dal madhan in aan ahay....hadba duul jaleecoo
Daymadaha hareerah kala dooran waayee
Aaway daramalkii iyo magacii geesinimadee
shalay { xiligii faqashta } lagu dagaal galay dadkaygow maad dantiina garataan?
ileyn doqoni calf ma leh durba maxaa ka baylahay?
Waxaan jecelahay inaan ku soo gunaanado qodobada iyo tixraaca sooyaalka taariikheed ee dahsoona ee aan guudmaray dulucdii hadraawi oo diiraan:-
Bulshoy adigaa milga leh
Ninkii boojimo ku yidhi
Shalaad barataannu nidhi
Bayluulida haw furfurin
Bariidana kaama geyo
Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada
Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba'aaga
Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo
Huwaday bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay
U booday cirkaa dusheenna
Bilkeeday laboontidiisa
Buurtuu koray waarin mayso
Heddiisana baajin mayso
Kub iyo bawduu ka jabi
Shantaana umal fool bashiishtay
Berdaanka xusuusta ii dheh
Bulshooy adigay boqraday
Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura
Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho
Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa
Bulshooy adigay boqrday
Adaa bili igu shakalay
Baruudka adaygu xidhay
Haddaan ahay wiil bir kulul
Burjiga adigaa iska leh
Badheedhka adaa i faray
Dagaalka adaa i baday
Belaayo haddaanay dhicin
Dantaada haddaan la bi'in
Haddaan baradaadu guban
Miyaynu is baran lahayn
Haddaan wanka badhida weyn
Baraarkana loo qalqalin
Ninkii cunay booligaaga
Haddaan buro loogu darin
Saboolka haddan la badin
Haddaan boqol ruux la korin
Dhulkii beeraha lahaa
Haddaan basanbaas ka dhicin
Bal iyo xaab laga idlayn
Dadkii qabay berisamaadka
Haddaan badhax loo shubshubin
Barwaaqadu tuugsi noqon
Haddaan badar loo kaltamay
Biyaha sixin looga dhigin
Basaasta ninkii huwaday
Badhaadhnay haddaanu odhan
Naftiisana been ku furan
Miyaynu is baran lahayn
Haddaan waa kuu beryaa
Bayuur iyo ummal ku tarin
Haddaan berritiyo sed maqan
Bushaara lagaaga dhigin
Baxnaanadu kugu adkaan
Haddaan sida Baar-caddaa
Baloolliyo badowyaley
Naftaadu ku ciil belbelin
Qabiilka haddaan la bilin
Haddaan boodhka laga tuntumin
Haddaan is bahaysigeenna
is biirsiga wada-jirkaaga
Budh iyo xoog lagu furfurin
Bartaada haddaan la dhicin
Bukaanka haddaan la nicin
Haddaan bogso lagu daweyn
Miyaynu is baran lahayn
Barbaarta haddaan la layn
Billaawuhu dhiig matagin
Ninkii ku bud dhigi lahaa
Haddaan baqayuhu ka lalin
Halyeyga badbaadadaada
Haddaan bahaluhu ku shirin
Haddaan bir ma geydadaada
rasaas loo berentensiin
Waraabuhu baan ka dhigan
Baroorta qofkii lahaa
Haddaanu u rogan bil-khayr
Belaayo xijaab ka dhigan
Wixii hadhay baylahdaada
Haddaan buntukh loogu talin
xanuun lagu baraq nuglayn
Nin bayr lihi salow ku gelin
Miyaynu is baran lahayn
Basaas iyo oon dartii
Haddaan dhulku baali noqon
Haddaan sida bagagidii
Banaadir indhuu ka nixin
Bariiso haddaan la qixin
Boqoolku is daba taxnaan
Bugaan bugtu gelin Xijaas
Badroolka haddaan la yu'an
Hablihii boqorkiyo dhacalaha
Baftada lagu wada yiqiin
Haddaan baxsadkooda dheer
Baxreyn laga soo qab qaban
Haddaan boqorrada Carbeed
Amiirada baalka xidhan
Kun jeer baryo loogu tegin
Miyaynu is baran lahayn
Haddaan bari ina qalayn
Haddaan bogox ina fantayn
Beelahaa ageheenna yaal
Haddaynaan buro ku noqon
Tukii baallaha caddaa
Adduunyadu baadideenna
Bannaanada kaga xeroon
Boogteenniyo dhaawaceenna
Haddaan baga laynna odhan
Miyaynu is baran lahayn.
La soco...
Top
Gebilay Waxay Hoggaaminaysaa Horyaalka Dimuqraadiyadda Somaliland |
Anigoo ah muwaadin u dhashay JSL gaar ahaana degmada Gebiley kana tirsan dhalinyarada ka soo jeeda degmada Gebiley waxa aan aragtidayda aan kusoo bandhigayaa xaaladda siyaasadeed ee ka socota degmada Gebiley. xaaladaasi oo ah mid aad u qalafsan oo aan loo dulqaadan karin marka aad u fiirsatid dhibaatada iyo magac xumada ay reebayso degmada iyo shacbiga ku dhaqan degmadaasi ee walaalaha ah.
Marka aan dib u eegno marxaladihii ay dalkan iyo dadkanba soo mareen 12 sano ee aynu dalka joognay kuwaasoo runtii dhibaatooyinkii ina soo gaadhay aynu dhamaanteen lab iyo dhedig yar iyo weyn ay u guntaanayeen sidii aynu uga gudbi lahayn ee aan dalka iyo dadka u gaadhsiin lahayn horumar dhaqaale cadaalada iwm. Haddaba 12 sanno waxaan ka haynaa waxtar wayn oo ka qiimo badan dhibaatadoodii.
Waxa weeyi dastuurka dalka ay 97% isku raaceen in uu ahaado sharciga dalka iyo dadkaba u yaala waxaanu amaantiisa sharciga lahaa maalmihii hore marxuum maxamed ibraahim cigaal alla ha u naxariistee.
Haddaba waxa in lays weydiiyo u baahan goormuu sharcigu dhaqan galay waa goorma miyeeu shaqeeyyaa, miyaa laga maarmay.
Mida kale shacbiga Somaliland waxay u doorteen doorashooyinkii golaha deegaanka si bilaa qabyaalad ah.
Waxa dib loogu noqday nidaamkii qabiilka markii aynu gaadhnay in la dhiso golihii deegaanka gobolada iyo degmooyinka ee shacabku doorteen musharaxiinta ku guulaysatay xilalkaas iyaga oo ka yimid ururo lix ahaa ee ka qayb galay doorashada oo ay umadii Somaliland oo dhami ay noqdeen lix qabiil oo kaliya. Qabiiladaas lixda ah ay curad looga dhigay UDUB, KULMIYE iyo UCID, halka 3dii qabiil ee kalana ay raali ku yihiin in ninkooda ugu cimri dheeri uu (5sano) kaliya ayaa dastuurka lagu ergayn doonaa inaad noolaato hadduu naga yeelo ergadaa.
Meelo badan oo dalkeena ah kuwii lagu dayan lahaa ayaa waxa ka dhacay in ay golayaashii deegaankooda ay u kala jabeen beel beebl dabadeedna ay qabyaaladdii aan soo dhaafnay ayay ku doorteen maayarkii iyo ku xigeenkiiba waxa ka mida Boorama, Berbera, Burco Saylac, iyo dalka intiisa kaleba. Haddaba degmada Gebiley oo aan iyadu ilawday habki qabiilka oo laba walaalaha ah iyo ilma adeerba ay ku loolamayeen iyagoo midba xisbi ka soo jeedo arrintaasi waa ta guusha horyaalnimada Gebiley loogu diidanyahay in ay ka hormarto gobolada ka waaweyn oo ay ku jiraan laacibiintii loo bogay.
Mustafe Sayid Abokor
Gabiley
Top
Sidee Loo Kala Qaadaa Xanuunka Qaaxada Ama Tb'da? |
Tb'da ama qaaxadu waxay ka mid tahay xanuunada ugu da'da weyn leh ee aadamigu yaqaanno ama uu xusuusanyahay ,wuxuna ku faafaa kala qaadista ay xanuunkaasi kala qaadaan qoysaska wada nool,dadka qaraabada ah ama meel ka wada shaqeeya ,iyo saaxiibada had iyo jeer wada socda oo midkood buko ama uu qabo TB kan kalena uu fayowyahay.Marka qof qaba xanuunka .Asalkaba kala qaadista caynkaas ah ayaa waxay ku timaaddaa siyaalo kala duwan.
Marka qof qaba xanuunkaasi uu qufaco wuxu hawada kusii daayaa malaayiin ah jeermiska dhaliya xanuunkaasi,kaddibna waxa kuneefsada hawadaQof caafimaad qaba oo ku dhow .Hadii xaako lagu tufo meel aan lahayn iftiin,sida guri hoostii wuxu jeermiskaasi ku noolaan karaa muddo sanooyin ah halkaa oo dadka ka fayow xanuunkaasi qaadaan ,gaar ahaanna marka la xaadhayo goobahaa lagu tufay xaakooyinka .oo jeermiska ku noolaa hawada raaco ama lagu neefsado .Dhakhaatirka caalamka ee ka shaqaysa xanuunkaasi la dagaalankiisa ayaa sheegaya in saddex meelood meel ahaan dad gaadhaya oo dunida ku nooli ay qabaan ama ay sidaan jeermiska laga qaado xanuunka TB'da ,tiradadadkaasi oo gaadhaysa 1.9 bilyan oo qof,tiro kale oo intaa leeg ayaa looga baqayaa inay qaadaaan sannadaha soo socda iyadoo dadka qaadaya xanuunkaasila sheegay inay ku nool yihiin dalalaka soo korya ama kuwa saboolka ah ,iyo qaaradaa dadka ku nooli ay aadka u badanyihiin gaar ahaanna magaalooyinka ay joogaan .Waxa la arkay in boqolkiiba siddeetan dadka ku nool dlalakasi ama magaalooyinkaasi ay sidaan jeermiska laga qaado xanuunkaasi. inta badan dadka qaada ama la qabadsiiyo TB'du waa kuwa ay tabardarreeyeen awoodda difaaca jidhkooda ee ilaahay siiyey baniaadamka.Sannad kasta 8-10 milyan oo ayaa la qabadsiiyaa ama qaada xanuunkaasi ,halka culimada ka shaqaysa xanuunkaasi leeyihiin waxa sannad kasta dhimata 3 milyan oo qof in ka badan 20 milyanna way ujiifaan. ugu daambayn waxad arkaysaan in xawliga xanuunkaasi ku socdaa uu yahay mid aad u dheereeya laguna kala qaado neefta iyo waxa soo raaca sidaa darteedna loo baahanyahay in iyadoo aan cadaawad loo muujin dadka qaba TB'da la iska ilaaliyo ama lagu daaweeyo meel dhowrsoon ama anay daweynuhu ku badnayn.
Top
Maraykanka Oo Ku Cadaadinaya G/Amaanka Inuu Soo Saaro Qaraar Fasaxaya Weerarka Ciraaq
New York - (W.Wararka) - Golaha ammaanka ee Q. Midoobay ayaa lagu wadaa inuu yeesho maanta shir gaar ah oo ay ku eegayaan xaaladda dalka Ciraaq, iyadoo la filayo in shirkaasi uu isu beddelo kulan ay ku doodaan dalalka xubnaha ka ah golahaasi, iyagoo iskula qaadaa dhigi doona qorshaha Maraykanka ee ah in loo oggolaado weerar uu ku qaado dalka Ciraaq, taas oo ay aad u diidan yihiin dawlado badan oo xubno ka ah golaha ammaanku.
Kulankan gaarka ah ee Golaha Ammaanka oo ka dambeeyay dalab uu soo jeediyay dalka Koonfur Afrika oo haatan hoggaanka u haysa dalalka ay siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay, isla markaana waxa uu dalkaasi wadaa olole ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan qorshaha Maraykanka.
Dawladda Maraykanka oo taageero ka helaysa dalka Ingiriiska ayaa cadaadis ku saaraysa Golaha Ammaanka ee Q. Midoobay in uu goluhu soo saaro qaraar fasaxaya in xoog loo adeegsado dalka Ciraaq, iyadoo wax fursad ah aan la siinin maamulka Sadaam Xuseen oo uu ku baabi’iyo hubkiisa halista ah ee ay dalalka Maraykanka iyo Ingiriisku ku eedaynayaan in Dawladda Ciraaq weli ay qarinayso.
Tan iyo bishan bilowgeedii, Dawladda Maraykanku waxa ay ku taamaysay in golaha ammaanku u fasaxo weerar uu ku qaado dalka Ciraaq, iyo in goluhu soo saaro qaraar beddela qaraarkii lambarkiisu ahaa 1441 ee goluhu hore u soo saaray. Waxaanay Dawladda Maraykanku ku cel-celinaysaa in dalka Ciraaq uu la kulmi doono cawaaqib xun, haddii aanu u hoggaansamin go’aanada caalamiga ah.
Cadaadiska Maraykanka kasokow qaar ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah G. Ammaankaayaa iyaguna wada olole dhan ka ah qorshaha Maraykanka, iyagoo ku adkaysanaya in waqti kale la siiyo hub ka dhigista dalka Ciraaq, isla markaana waxay dawladahaasi u arkaan mid aan meesha qaban in la rido ama xoog lagu muquuniyo maamulka Sadaam Xuseen, taasoo ay ku tilmaameen inay keenayso in maamulka Ciraaq lagu beddelo sifo aan sharci ahayn.
Dhinaca kale, baadhayaasha hubka ayaa hawshoodii ka sii wada gudaha dalka Ciraaq, iyagoo u gudbaya goobo cusub oo ay ku tuhunsan yihiin in dalka Ciraaq uu ku qaraniyo hubkiisa halista ah, goobahaas oo la sheegay inay u jiraan caasimadda Baqdaad 15km dhinaca waqooyi.
Wararka ka imanaya Jaamacadda Carabta ayaa iyaguna sheegaya in Dawladda Kuwayt ay ka ashkatootay shirkii deg-dega ahaa ee ay isugu yimaadeen dalalka Jaamacadda Carabtu toddobaadkii dhowaa oo ay kaga hadlayeen xiisadda dalka Ciraaq, iyadoo dalka Kuwayt uu yahay dalka ay sida weyn isu hayaan Dawladda Ciraaq kadib weerarkii ay ku qaaday 1991-kii.
Top
Dawladda Sucuudiga Oo Ka Digtay Weerar Lagu Qaado Ciraaq |
Riyadh (W.Wararka) - Dawladda Sucuudiga ayaa ka digtay weerar uu Maraykanku keligii ku qaado dalka Ciraaq oo ay ku tilmaantay mid xad-gudub ah.
Sidaa waxa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sucuudiga, Amiir Sucuud Al-faysal oo u warramayay Idaacadda BBC-da maalintii shalay, waxaanu intaa ku daray in haddii uu Maraykanku keligii tallaabadaas qaado ay tahay mid xad-gudub ah, balse waxa uu sheegay in haddii go’aanka arrintaasi uu soo maro G/Ammaanka aanay taasi wax dhibaato ah lahayn, isagoo kula taliyay Dawladda Maraykanka inaanay marnaba tallaabadaa qaadin.
"Waxaanu rumaysanahay in tallaabo weerar ah oo uu Maraykanku keligii qaado aanay ahayn mid meesha qabata, maxaa yeelay arrintaasi waxa ay dhiiri-gelinaysaa fekerka ah inuu Maraykanku awood sheeganayo, iyadoo la dhinacmarayo qaraarada caalamiga ah," ayuu Amiir Sucuud Al-Faysal.
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in mandaqadda Bariga Dhexe ay dhibaato kasoo gaadhi doonto tallaabo kasta oo miletari, isagoo tilmaamay in dagaalku uu keenayo degaanshiiyo la’aan ku dhacda mandaqadda, isla markaana wuxuu ku tilmaamay in beddelaad qasab ah oo lagu sameeyo nidaamka Ciraaq uu burburinayo dalka Ciraaq, taas oo uu macnaheedu yahay buu yidhi mushkilad lagu xalinayo iyadoo mushaakil kale la abuurayo.
Hadalkan Amiir Sacuud, wuxuu ku soo beegmay iyadoo Madaxweynaha Maraykanku George Bush uu maalintii shalay khadka telefoonka wadahadallo kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Amiir Cabdalla binu Cabdicasiis oo ay ka wadahadleen xaaladda guud ee mandaqadda Khaliijka.
Top
134 Qof Oo Ku Dhintay Tareen Ku Gubtay Kuuriyada Koonfureed |
Seoul (W.Wararka) - 134 qof ayaa inta la ogyahay ku dhintay, 136 kalena way ku dhaawacmeen ugu yaraan, iyadoo boqolaal kalena la la’yahay kadib markii uu tareen nooca dhulka hoostiisa mara ahi ku gubtay mid ka mid ah wadooyinka dhulka hoos mara ee magaalada Thaigu ee ku taala dhinaca bari ee dalka Kuuriyada Koonfureed.
Kooxaha gurmadka ee baadi-goobka ugu jira badaadinta dadka ku gubtay ayaa sheegay in dabka tareenka qabsaday uu ahaa mid aad u weyn, iyadoo buudhiga uu qabsaday dabku uu gebi ahaantiiba burburay.
Sida ay sheegeen booliiska ka hawlgalay dhacdadaasi dabka qabsaday tareenku waxa uu ka dhashay kadib markii uu nin ku tuuray waxyaabaha qarxa tareenkaas oo socda, iyadoo dadka rakaabka ahi ay isku dayeen in ay ninkaa is-hortaagaan, balse ay ku guul-daraysteen, waxaanay booliisku intaa ku dareen in uu ninka dabka shiday ka mid yahay dadka dhaawacmay.
Waxay wararku intaa ku darayaan in la filayo in dadka waxyeeladu soo gaadhay ay intaa ka bataan iyadoo rakaabka tareenka saarnaa ay dhamaayeen 600 oo qof.
Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in dadka tareenka saarnaa ay ku adkaatay inay baxsadaan, iyadoo ay ku xidhmeen albaabada ku shaqeeya quwada korontadu.
Madaxweynaha dalkaasi ayaa tacsi u diray dadka waxyeeladu kasoo gaadhay shilkaasi, isagoo amar ku bixiyay in baadhitaan degdeg ah arrintaa lagu sameeyo.
Magaalada shilku ka dhacay oo ka fog caasimadda Seoul 200km, waa magaalada saddexaad ee dalkaa ugu weyn iyadoo ka mid ahayd magaalooyinkii martigeliyay tartankii koobka adduunka ee sanadkii tegay dalkaasi lagu qabtay.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 90aad
Mingistu: Jawi xun ayaanu ku sugnayn, Malaakana waxaanu u dirnay gobolka Gondar, markaa waxaanu ku nidhi Malaaka "Meeshu waa meeshii aad ku dhalatay, dadka degana dhaqankooda waad garanaysaa, sidaa darteed orod oo halkaa ka dagaal gal". Sidaa awgeed wuu ku khasbanaa inuu is difaaco, waayo waxa meeshaa joogay Wayaanaha (Tigraay), Waxa iyana joogay Shacbiya (Ereteriya), sidoo kale IHABA-da ayaa joogtay, waana markii sideedaad ee aanu Malaaka halkaa u dirno, dabadeedna waxaanu ku khasbanaanay inaanu halkaa u dirno kooxo dhan oo askar ah, laakiin intii aanaan kooxaha askarta ah dirin Malaaka keligii ayaa dagaalka ku jiray, sidaa awgeed marka uu xaalad noocaas ah ku jiro waa maxay waxa laga filan karaa, ma inuu dhinto, ma inuu is-dhiibo, sidoo kale dadka ay IHABA-du dhibaateeyeen ee guryahoodii ka soo bara kacay ee jiif-jiifay afaafka xafiiska dhergiga, sidee buu ka yeeli lahaa, hadii aanu dagaalamin oo kuwa dadka laynaya la dagaalamin, markaa wuu dagaalamay, wuxuuna markii dambe qaaday talaabo adag oo ah sidii ay iyagu (IHABA) yeeli jireen si la mid ah, hase yeeshee marka la eego inta qof ee ay IHABA-du dileen iyo inta qof ee dhinaca kale dilay waxay su’aasha meesha taal tahay miyey is tira le’eg yihiin? Jawaabtu waa maya, waayo tusaale ahaan hadii aanu keliya tiro koobno dadkii lagu xasuuqay meesha la yidhaahdo Gaayinti iyo meesha kale ee la yidhaahdo Dase-kutabar waxay ku laban-laabmaysaa guud ahaan dadkii kacaanka ka soo horjeeday ee talaabada laga qaaday.
IHABA-du iska dhaaf dadkii lahaa kacaanka ayaanu taageersanahay ee xataa waxay xasuuqeen dadkii lahaa waa in dhulka la qorsheeyo, sidaa darteed maxaa laga malayn karaa marka Malaaku Tafara meel ay xaalad caynkaas ahi ka taagan tahay lagu tuuray, markaasay maanta qaar leeyihiin Malaaku ayaa sidan yeelay ama waxaa sameeyey.
Ganat: Ninka la yidhaahdo Cali Muuse waxyaalihii uu geystay?
Mingistu: Gobolka Baali isagana xaalad caynka gobolka Gondar ah ayaa ka jirtay, waayo waxa joogay kooxo kala duwan oo wax labayey, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen IHABA, koox kale oo iyaduna lahayd waxaanu nahay gobanimo doonka Oromada iyo koox kale oo iyaguna lahaa waxaanu nahay gobonimo doonka Soomaali galbeed, kuwaas oo dalka soo wada galay, meelo badana gacanta ku dhigay, dabadeedna Cali Muuse waxa uu tegay halkaa, ka dibna halgankii uu galay iyo guulihii uu halganadaa ka soo hooyey waxay noqdeen kuwo ay Itoobiya ku bad-baaday. Laakiin berigaa ragga qaarkood iska dhaaf halgano iyo dagaalo ay galaane hadii aanu ku nidhaahno kaalaya aanu kuraas idin siino oo wasiiro ama wax la mid ah qaata waxay cabsi awgeed u gariiri jireen sida qofka uu xanuunka kaneecadu hayo oo kale, markaa xiliga caynkaas ah ee ay ragga qaar fulanimo awgeed sidaa u kurbanayeen ayaanu Cali Muuse u diray halkaa, waqtigaana waxba maanu haysan oo xataa ciidan maanu hayn , sidaa darteed Cali Muuse inta aanu dhaw qori siinay ayaanu ku nidhi " Orod oo dhimo", ka dibna inta uu dagaalamay ayuu dalkii bad-baadiyey, maantase nimanka mukhbaaradaha biirka ka dalbanayey ee dadka rayidka ah ku duulayey ayaad moodaa in warkooda la maqalayo, laakiin la iswaydiin maayo "Qofkani berigaa xoog intee le’eg ayaa lagu hareereeyey, sidoo kale caloold-adayg intee le’eg ayuu ku dagaalamayey, sidoo kale dhinacaa imisa qof baa ku geeriyooday, dhinaca kalena imisa qof baa ku dhintay, sidoo kale maxay ahayd rajada ay dadku qabeen", markaa ma jirto cid keliya oo su’aalaha caynkaas ah iswaydiinaysaa, isla markaana dadka waxan ka sheekaynayaa maba garanayaan sida iyo meesha ay waxaasi ka socdeen, laakiin keliya Adis-ababa ayey iska dhex-fadhiyaan oo sheekada oo dhan ka dhex-abuurayaan, mana garanayaan halganada la soo galay waxa ay ahaayeen, sidoo kale la iswaydiinayo hadii aan laga hor-tegin wixii dhacayey sidee bay rajada dadku noqon lahayd ama muxuu aayaha dalku ku dambayn lahaa, mana doonayaan inay xaaladda iyada ah miisaamaan.
Ta kale weeraradii dhinaca Kafa ka socday waxa gacanta ku hayey taliye Unug Tasamaa Balaay, sidoo kale dhinaca Walaga waxa gacanta ku hayey taliye Unug Nuguse, sidoo kale dhinaca Hararge waxa gacanta ku hayey taliye Unug Kasaaye, marna taliye Unug Salaqe Bayaane, markaa nimankaas oo dhami xiligaa adkaa waxay ku jireen imtixaano aad u dhibaato badnaa, isla markaana shicibku inta ay gadoodaan ayey weliba ku qaylin jireen oo ay odhan jireen "Naga ridaay, nimankaa hurdadiina waanu uga go’nay, halkeerna hebel bay ku dileen, halkaa kalena hebel baa maydkiisii yaal, waa maxay waxa ay dawladdu sugaysaa ee ay waxan wax uga qaban wayday, waanu dhamaanay, hadaba yaanu u qaylo tagnaa" iyo hadalo kale oo dhiilo leh ayey dadweynuhu ku qaylin jireen, sidaa darteed markii ay qaylo-dhaantii iyo cabashadii dadweynuhu badatay ee ay ka fadhiwaayeen ayey nimankaasi nin waliba wixii uu ciidan heli karayey inta uu kaxaystay dagaal tegay. Anaguna inta aanu qori-qori ay isku difaacaan siinay ayaanu ku nidhi "Orda oo wax iska celiya oo dalka bad-baadiye", marka ay xaaladdu caynkaa ahayd waa maxay waxa markaa laga sugayo inay yeelaan ama sameeyaan, sidaa darteed dadka hadaladan shubaya hadii ay xataa meelaha kale wararkoodu ka fogaayeen miyaanay Adis-ababa wixii ka jiray ogayn, miyaan la xusuusnayn waxyaalihii laga baahiyey telefishinka xiliyadaa, tusaale ahaan markii la dilay gudoomiyihii ururka shaqaalaha miyaan la xusuusnayn dadweynihii arintaa ka cadhaysnaa ee isu baxay intii ay tiro le’ekaayeen iyo oohintii shicibka ka baxaysay. Sidoo kale maamulihii iskuulka Minilik oo magaciisa la odhan jiray Makonin Shagane oo ahaa nin curyaan ah waxay ku shaandheeyeen rasaas tiro badan, ka dibna maydkiisii ayey meel cidlo ah ku tuureen,. Dabadeedna markii ay waxaas iyo wax la mid ahi dhaceen ayaanu anagu isku daynay inaanu hogaamiyayaashooda ugaadhsano si aanu dhibaatadooda ummadda uga qabano. Sidaa awgeed nimankaas uma banaanayn wax aan ahayn inay is dhiibaan ama ay shafka u dhigtaan rasaasta oo ay is difaacaan, markaa kuwan maanta la eedaynayaa midna isma lahayn dad iska lay ee waxay ahayd dhibaato ay keentay waayihii Itoobiya iyo natiijooyinkii taariikhda laga soo gaadhay iyo weliba dhaqamadii uu kacaanku u keenay, markaa kuwa maanta nimanka caynkaas ah wanjalaya ee leh waxaas iyo waxaas ayey sameeyeen hadii ay iyagu meeshooda joogi lahaayeen maxay samayn lahaayeen...
La soco
Top
A. Ducaale
Abwaan Saxardiid Iyo Sooyaalkiisa Suugaaneed
Wareysi
Saxardiid Maxamed Cilmi waxa uu ka mid yahay suugaanyahanada waaweyn ee reer Somaliland, wuxuuna sameeyey heeso, riwaayado, gabayo iyo suugaan kale, laakiin niman dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah, lana yidhaahdo Bahda Shunuuf (Shunuuf. Tripord. Com.) oo muddo ka badan dhawr iyo labaatan sannadood si mutadawacnimo ah ugu hawlanaa ururinta suugaantii kala tasawday, islamarkaana ururiyey kumanaan gabayo, heeso, riwaayado, maahmaahyo iyo suugaan kale ayaa Saxardiid waraysi la yeeshay sannadkii 2000 isaga oo jooga Hargeysa, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
Sua'aal: Saxardiid, Halkee ayaad ku dhalatay kuna barbaartay?
Saxardiid: Waxaan ku dhashay magaaladan Hargeysa xaafadda la yidhaa "Jameecaweyn" kun iyo sagaal boqol iyo dhawr iyo sodankii. Shaqooyin aad ukala duwan ayaan ka so qabtay, kol waxaan ahaa nin farsamadda gacanta ku shaqeeya, kol waxaan ahaa ciyaartoo kubadda cagta iyo xeegadaba ku fiicnaa qayb weyna ka soo qaatay. Waxaan kubadda cagta u ciyaari jiray koox la odhan jiray "Hargeysa team" ama "kooxda Hargeysa".1956kii ayaan ku jabbay halkaas ayaanan kaga fadhiistay. 1959kii ayaan ka bilaabay shaqo idaacada Magaaladda Hargeysa, waxaanan ka shaqeeyay ilaa habeenkii magaaldda Hargeysa ay SNM soo gashay ee xukunkii Afweynee dhacay.
Su'aal: Goormaad hal-abuurnimada bilowday ogaatayna inaad hibadda leedahay?
Saxardiid: Hal-abuurnimadu qofna wuxuu ku soo bilaabaa yaraantiisii, qofna weynaanta ayuunbuu badhtanka kaga dhacaa. Anigoo aad da'daydu u yartahay ayaan bilaabay, markaa ku dayasho, markii dadkii wada heesay ayaan anna dhinac ka raacay.
Su'aal: Heestii kuuguu horaysay eed aliftay magaceedee muxuu ahaa?
Saxrdiid: Heasaha qaarna waa la tiriyaa uun, qaarna luuqayn ayaa lagu daraa. Heesahaan ka qayb qaatay ama aan anigu curiyay intaanan soo shaacbixin ilaa dhexdhexaadkii kuntomeeyadii wey badnaayeen. Heestii ugu horaysay ee tisqaadaa waxay ahayd hees wadani ah oo ka hadlaysay markii "Reserve Area" la bixiyay 1954kii. Heesta waxaa la odhan jiray "Ka Sarakaca", Midhaheeda halkan ka akhriso, Ka sara kaca , waxaana ku qaaday Maandeeq .
Su'aal: Ruwaayaddii kuugu horaysay eed samayso maxay ahayd?
Saxardiid: Waxaa magaceeda la odha jiray "Gardiid waa Alla diid", waxaanan sameeyay 1959kii. Ruwaayaddu waxay ku saabsanayd waqtigii ummadda Somaliyeed u bislaatay inay hanato gobanimadeeda. Heesahii ruwaayadda ku jiray waxay u badnaayeen wadani. Waxay ruwaayaddu ku socotay inan' xisbiyadda ku jirtay iyo inan miyiga ka yimid. Waxa ka mid ahaa suugaantii ku jirtay, "Geeskii Afrika", halkan ka akhriso midhahaas, Geeskii afrika heesaha waxa ka mid ahaa, "Hasheena Maandeeq",halakan ka akhriso midhaha heesta oo ila imika qiimo weyn leh. Maantay curatooy mataanaysee aan maalo hasheena Mandeeq.
Su'aal: Habeenkii calanka la saarayay 26kii June 1960kii maxaad ka tirisay?
Saxardiid: wax tabaabusho ah oonu ku talagalay maalintaas horta may jirin, caawoo kalana calankii ayaa la saarayaa. Cumar Carte Qaalib oo markaa "Assistant DC" ka ahaa magaaladda Hargeysa ayaa noo yimad anagoo "Walaalo Hargeysa" ahaan meel u fadhina. Wuxuu na weydiiyay " maxaa ugu talagasheen calankii caawaa la saarayaaye? "Waxaanu ugu jawaabnay "waxba". Wuxuu intaa nogu daray, " caawa waxaa goobtaa sharafta leh ka odhan lahaydeen ayaa la rabaa, todobada fiidnimona gaadhi ayaan idiin soo dirayaa ee hawl gala". Maxamud Xarbi " oo ahaa xornimo doonkii reer Jabuuti" ayaa habeenkaa habeenkii ka horeeyay ka soo duulay Xamar si uu noogala qayb qaato dabaaldegga calan saarka Somaliland.
Hees isaga aanu u tirinay midhaheeda waxa ka mid ahaa:
Inaad magaceena muuji lahayd
intaad soo martaa markhaati furtaye
mudane Xarbiyow ma nabadbaa
Wuxuu noo qoray 3,000 oo shilin oo waqtigaa lacag badan joogay. Barkhad-Cas Ilaahay haw naxariistee oo aanu meesha wada fadhinay ayaan ku idhi, " Maxamadow adna hees xafladan u samee anna hees ayaan u samaynayaa". Waxaan isku dayay inaan fadhigii ku sameeyo, hasayeeshe, waan helay waayay oo ereyo u qalma ayaa igu soo dhici waayay. Intaan fadhigii ka sara kacay, ayaan wadada laamidee Shantamaylka ka timaada ayaan afka saaray oo dooxaan ka talaabay. Kolkaan baatroolaha "Total" marayo ayuun baan samada kor u eegay, waxa igu soo dhacday kelmed la odhan jiray markay abaari raagto cirkuna inuu hooro maagay. "Kadaba", halkaas ayaan ku helay eraygii aan raadinayay midhihii kalee heestana waxaan ku soo taxay intaan dib u soo socday. Cabdilaahi Qarshe Ilaahay haw naxariistee, ayaa isna guriga fadiya oo kolkaa kamanka heesta ku fadhiisiyay, Maxamad Yuusuf oo isna nala joogay ayaan heesta u dhiibay. Midhihii "Kadabaa" halkan ka akhriso midhihii heesta ku jiray Kadabaa Dhaha. Habeenkii calanka labbadda heesood een midna anigu sameeyay midna uu sameeyay Abwaankii Barkhad-cas, Ilaahay haw naxariistee, halkan riix Soomaaloo Qaran ah, "Qaran" ayaa wax hees ah goobtaa laga tiriyay, hees kaloo habeenkaa la tiriyay may jirin...
La soco cadadka Arbacada dambe.
Top
Gabay - Wacdarihii Cali Ismaaciil Carab (Cali-duulduul)
Gabay
Dad la urursho duul la iska xidho, habar durbaan qaadda.
Afdmiinshaar la derejaynayo iyo, duqay wax boobaysa.
Dar ilaahay waa waxan, ku nacay dawladdii hore’e.
Tana dawgii tii hore martay, dabada haysaaye.
Iyadaba waxa lagaga diday, damaca qaarkiiye.
Saldhigyada docdooda ah, hadaad daymo mar’a eegto.
Ama dacwada lagu hayiyo, daakhilka abaarto.
Aad daba-gashaabaa, qalbigu kuma dilaamaaye.
Iyagana maxkamaddaa ka darran, dooxatada jaane.
Nin darwiisha iyo baan, fadhiyin xaakin daacada’he.
Waa meel dulmigu buuxiyoo, dumaysa waa dhowe.
Ninkaan lacagta duuduuban hayn, duunyo iyo maalka.
Aan daynsan laaluushka, waa lagu damsiiyaaye.
Dadkuna xoolahaa kama, duwana daaqa geedaha’e.
Dukaamiyo xeryaa loo dhistoo, lagu dilaalaaye.
Duhur baa la kala iibsadaa, ka ugu door roone.
Dembi kuma hadlaayee, anoo dawga werinaaya.
Dalka waxa ka taagani, ka darran daalinkii faqashe.
Iyadaba waxaa lagaga diday, dil iyo laaluushe.
Tana inay dariiqii fadhido waxa uu daliilkiiya.
Inta daarad ruuxii lahaa, duudsi laga yeelay.
Ee laga dafiray baa ka badan, doogga soo baxaye.
Madaxweynahaan dooranee, dabaqa dheer saaray.
Ee ducoqabihi nagaga tegay, waa ka sii daraye.
Dawlad daydayiyo waysku nooc, diibka xeebuhuye.
Labaduba degaankay galaan, lagu dibaaqowye.
Waa waxaan la daandaansanahay, dakharadeediiye.
Dawladnimadan aan sheeganay, ee dunida gaadhsiinay.
Mar dab-mooyee shacbiga, duxi ka soo gaadhin.
Dacar-miirran iyo kama duwana, mur iyo deebaaqe.
Dega oo ka dhaca, qaar kaloo diiriyaa imane.
Top
C.Fataax M. Caydiid
Barcelona Oo Ku Tumatay Inter Milan, Kooxda Newcastle-na Waxay u Quus-Goysay Leverkusan
Ciyaarihii Xalay ee Tartanka Horyaalka Yurub (European Championship League)
Barcelona (AFP): kooxda Barcelona ayaa si xarago leh kaga badisay kooxda Inter Milan 3-0 xalay, waxaanay taasi u noqotay rikoodh cusub oo ay dhigtay kooxda Barcelona iyadoon 11 ciyaarood oo Horyaad Yurub ah ay si xidhiidh ah u badisay, muhiimada ugu weynina waxay ahayd in tababare Radomir Antic uu kooxda gaadhsiiyay kursigii ay ugu gudbi lahayd wareega 8-da kooxood (Quarter finals) ee tartanka ugu heerka sareeya kooxaha Yurub.
Ciyaartoyda Javier Saviola, Philip Cocu iyo Patrick Kluivert, ayaa dhaliyay goolasha xalay ee garoonka Nou Camp ay kaga badiya kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan oo ku ciyaaraysay 10-ciyaartoy, kadib markii daqiiqadii 80aad laga saaray weeraryahanka reer Urugwaay Alvaro Recoba kadib markii khalad u geystay difaaca Barca ee Carlos Puyol.
Guushan Barcelona waxay ka dhigtay in ay u sareyso Group A oo ay ku hogaaminayo 9 dhibcood oo ay u hadheen Saddex ciyaarood oo keliya oo ah is-arag labaad.
Barcelona waxay barbaro kula noqotay rikoodhkii hore ee kooxda AC Milan oo aan 10 ciyaarood oo xidhiidh ah laga badin ciyaaraha tartanka horyaalka Yurub xilli-ciyaareedkii 1992/93, kadib markii ay ka badiyeen ciyaartii ugu dambeysay ee ay la ciyaareen Newcastle.
Ciyaartoyda Barcelona waxay kor u soo qaadeen macnawiyada tababaraha cusub oo ciyaartii labaad ee badiyo ay tahay tan iyo intii uu la wareegay kooxda, kadib markii laga eryay tababarihii hore ee Luis Van Gaal.
"Dawada ugu wanaagsan ee kubadda Cagtu waa guusha," ayuu yidhi Tababare Antic.
Weeraryahanka reer Argentina Saviola ayaa la yimid xalay ciyaar heerkeedu sareeyo, waxaanu ku furay ciyaarta gool uu u soo dhigay baas Xavier Hernandex, isagoo si habsan ula dhaafay difaaca Inter, kuna laaday kubad lugtiisa bidix, taas oo dhinaca midig ka martay goolwadaha Inter, Francesco Toldo.
Christian Vieri ayaa ku dhawaaday inuu barbaro ka dhigo ciyaarta kadib markii uu ku laaday kubad sare, balse waxa joojiyay Roberto Bonano.
Ciyaartani, waxay u ahayd Antic dhadhankii ugu horeeyay Horyaalka Yurub muddo lix sanno ah, markaas oo uu ay kooxdii uu markaa watay ee Atletico Madrid u gudubtay sideeda kooxood.
Ciyaartii waxay noqotay in ay Barcelona 2-0 ku hogaamiso Inter ka hor intaanay dhammaan qaybtii hore ee ciyaartu. Saviola ayaa mar kale qayb ka ahaa goolka kadib markii uu madaxa ku Dhuftay kubad, kadibna uu Philip Cocu ku laaday kubadda goolka Toldo, taas oo uu ku guulaystay inuu joojiyo balse Cocu ayaa helay kubad soo noqotay mar labaad isaga oo aan khaldamin dhinaca bidix ee goolka ka dhigay oo shabagga ku hubsaday.
Kooxda Inter oo ciyaartoyga Hernan Crespo dhaawac kaga maqan yahay, ayaa isku dayday in ay wax ka bedesho ciyaarta, balse taasi umay suurta qaybtii hore ee ciyaarta oo ay laba jeer oo keliya ku dhawaadeen in ay sigaan goolka Barcelona.
Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Barcelona haddana la soo gashay weerar diiran, waxaanu ciyaartoyga reer Holland kubad uu u soo baasay Hernandez ku laaday goolka, balse markan waxa ka qabtay Toldo. Goolkii saddexaad ee Barcelona, waxa uu dhashay daqiiqadii 67aad, goolkaas oo uu dhaliyay xidiga Patrick Kluivert, kadib markii uu kubad karoos ahayd oo uu soo laaday Saviola, uuna Kluviert dhigay kubadda Toldo lugiisa dhexdiisa.
Inter habeenkeedii wuxuu sii xumaaday kadib markii Ciyaartoygeeda Alvaro Recoba laga saaray toban daqiiqo markii ay ka hadhsanayd dhammaadka ciyaartaasi, waxaanay ciyaartoyda Inter noqdeen toban ciyaartoy oo keliya, laakiin ciyaartii ayaa iyadu intaa ku dhamaatay oo ay Barcelona 3-0 ku adkaatay.
Arsenal 1-1 Ajax
Kooxda Ajax ayaa ku hor joogsatay 1-1 kooxda Arsenal, ciyaar ka dhacday garoon Highbury xalay, taas oo dib u dhigtay in ay meel ka hesho Arsenal sideeda kooxood ee ugu dambeeya Horyaal Yurub.
Goolka uu dhaliyay weeraryahanka Sylvain Wiltord daqiiqadii 5aad, ayaa waxa kansal gareeyay goolka barbardhaca ee uu dhaliyay Nigel de Jong 12-daqiiqadood kadib, waxaanay kooxda Gunners baragshar saartay kooxda Ajax si ay u hesho gool ay kaga badiso oo ay Saddexda dhibcood ku qaadato, laakiin way awoodi kari wayday taas.
Bayer Leverkusen 1-3 Newcastle
Ciyaartoyga 21-jirka ah ee Shola Ameobi iyo ciyaartoyga reer Congo ee 22 jirka ah Lomana LuaLua ayaa soo nooleeyay Riyadii Horyaalka Yurub ee kooxda Newcastle, kadib markii labadaa weeraryahan ka qaybqaateen ciyaartii ay Newcastle kaga badisay Bayer Leverkusen xalay gudaha dalka Jarmalka 3-1.
Ameobi ayaa madaxa ku Dhuftay kubad karoos ahayd oo uu soo karoosay LuaLua, shan daqiiqadoo markii ay ciyaartu socotay, waxaanu raaciyay goolkiisii labaad 11 daqiiqadood kadib, taas oo ka dhigtay in ay in kooxda martida ahayd ee Newcastle hogaan ciyaarta qabato.
Ciyaartoyga reer Brazil ee Franca ayaa isagu daqiiqadii 26aad gool u dhaliyay Leverkusen, balse LuaLua ayaa isagu dhammaystiray kubad uu soo karoosay Robert ka hor nasashadii ciyaarta, waxaanay ciyaartii ku dhammaatay 3-1 ay ku guulaysteen Newcastle.
Roma 0-1 Valencia
Kooxda AS Roma oo rajaynaysay in ay u gudubto Quarter-finals-ka Horyaalka Yurub, ayay rajadeedii ay hoos u dhacday kadib markii ay kooxda Valencia kaga badisay 0-1.
John Carew ayaa dhaliyay goolka daqiiqadii 12aad ee ciyaarta oo ka dhacday caasimadda Talyaaniga oo ahayd habeen aad u qaboobaa.
Top
Alex Ferguson Oo Saxaafadda Ingiriisu Daba-Gal Ku Samaynayso |
Manchester (W. Wararka): Maamulaha kooxda Manchester United, Alex Ferguson ayay saxaafadda Ingiriisku daba-gal ku samaynaysaa, kadib markii uu nabar u geystay kabtanka England iyo kooxdiisa, David Beckham.
David Beckham, ayaa nabar soo gaadhay, kadib markii Tababare Ferguson oo cadhaysani ku laaday kab buudh ah, iyagoo ku jira gudaha qolka dharka ay iskaga beddelaan kooxdu, taas oo isha dusheeda kaga dhacday kabtanka.
Shilkani wuxuu dhacay maalintii sabtidii toddobaadkan oo ay kooxda Arsenal 2-0 ku garaacday kooxda Ferguson ee Man United ciyaar ka mid ahayd tartanka FA Cup oo ay ku reebtay kooxdaasi.
Tababare Ferguson, ayaa isagu ku tilmaamay shilkan "Shil aanu u kasin," iyadoo ay kooxda Man United horeba u diiday in la buun-buuniyo arrinta, waxaanu Afhayeenka kooxdu ku adkaystay oo uu yidhi; "Waxkasta oo ka dhacay qolka dharka layskaga beddelo (dressing room), waxa uu ahaanayaa mid anaga noo gaar ah (private)."
"Arrimo noocan oo kale ahi wa ka dhacaan qolka dharka layskaga beddelo," ayuu ku dooday Ferguso maalintii Isniintii oo wax laga weydiiyay arrinta shilka, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; "Waxa uu ahaa shilkani shilalka aan u kaska ahayn ee u dhaca sida dabiiciga ah, waanu dhammaaday. Waxaanu ahaa mid aanan u kasin, dibna u dhici maayo."
David Beckham, dhaawacani wuxuu ka soo gaadhay isha bidix dusheeda, iyadoo kabtanka England markii hore-ba ciyaarta laga soo saaray laguna beddelay ciyaartoy kale, kadib markii dhaawac ka soo gaadhay lugta midig, waxaanu fadhiyay qolka ciyaartoydu dharka iskaga beddelaan, kuna nastaan markii uu Ferguson oo cadhaysani ku laaday kab buudh ah.
Mana jiraan wax sabab ah oo loogu tilmaami karo shilkan, mid uu Ferguson u la jeeday inuu u geysto kabtanka Englan iyo kooxdiisa Man United ee David Beckham.
Top
Arsenal Iyo Chelsea Oo Isku Beeg Ciyaaraha FA Cup |
London (AFP): Kooxda haysata Koobka FA Cup ee Arsenal, ayaa ku beegantay kooxda Chelsea in ay la ciyaarto ciyaaraha Quaterfinal-ka FA Cup ee bisha dambe la ciyaari doono, kadib markii isku aadka kooxaha la soo saaray maalintii isniintii ee toddobaadkan, taas oo soo celisay muuqaalkii ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee xilli-ciyaaeedkii sannadkii hore ee koobka FA Cup iskaga horyimaadeen labadan kooxood.
Kooxda Arsenal oo labada koob ee FA Cup iyo Ka wareega (League Cup) qaaday, ayaa waxay reebtay kooxda Man United wareegii shanaad ee FA Cup-ka oo ay ku reebtay garoonka Old Traffor ciyaar ay ku ciyaareen sabtidii dhawayd.
Chelsea, waxay mar keliya ka badisay Arsenal shantii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyay, ciyaartaas oo ahayd ciyaaraha wareega Ingiriiska (premiership League), laakiin 2-0 ayay Arsenal kaga badisay Chelsea ciyaartii kama dambaysta ahayd ee xilli-ciyaareedkii sannadkii hore.
Dhinacyada kale e isku aadka ku soo baxay, waxay ka kooban yihiin kooxo ku kala jira Premiership iyo Darajada koowaad ee loo yaqaan (Division One).
Kooxda Watford oo iyadu reebtay kooxda Sunderland ee Premiership-ka ku jirta sabtidii dhawayd, ayaa ku beegmaysa mid ahaan labada kooxood ee Fulham iyo Burnley oo iyaga la isku celin doono, kadib markii ciyaartii hore barbaro ku noqdeen 1-1 axadii toddobaadkan.
Kooxda Southampton ayaa iyadu la ciyaaraysa kooxda Wolverhampton Wanderers, halka ay Sheffield United ay isku beegmeen kooxda Leeds United oo ay kuwada ciyaari doonaan Yorkshire derby, waxaana ciyaarahaas la ciyaari doonaa bisha March 8 iyo 9-keeda.
Top
|