Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Danjiraha Switzerland U
Fadhiya Nairobi
Khilaafkii Doorashada Maayorka Gebilay Oo Lagu Soo Af-Jaray Xaflad Xil-Wareejin Ah
Dabar-Goynta Gudniinka Fircooniga Ah Oo La Soo Gebogebeeyay
Maxaa Caawiya Faafitaanka Xanuunka TB-Da
Wefti Hoggaanka Xisbiga UCID Ah Oo Gaadhay Dalka Norway
Ururka ASAD Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu
La Midoobay Xisbiga UDUB
Maxamed-Rashiid Sh. Xasan (Musharax
Madaxweyne Ku Xigeen) Iyo Koox Dhallinyaro Ah Oo Isku Qaabilay Kulan
Shirweyne Hargeysa Uga Furmay Ururada Bulshada Ee Somaliland Iyo Somalia
"Wax Dhexdhexaadin Ah Kamaan Gelin Maamulka C/Qaasim Iyo Maraykanka, Shakina Kuma Jiro In Weerar Lagu Qaadayo Ciraaq..."
Arrimaha Bulshada
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Maa La Yidhaahdo Ururka Suxufiyiinta Dawladda?
W/Biyaha Hargeysa Halagu Wareejiyo Guddi
Xuska Dhagaxtuurkii Hargeysa Iyo Burco
Runtu ma fantaa
Kaartadii Lagu Dumiyay Daarihii Dhaadheeraa Ee Maraykanka Aabahaa Baa Lahaa!
Saxaafaddu Ma Geydo Af-Lagaado
Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga
WAADIGA CIYAARAHA
Arsenal Oo Ku Dur-Durisay Manchester City
Xidiga Romario Oo Cadeeyay Inuu Ka Tegayo Brazil |
|
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Danjiraha Switzerland U Fadhiya Nairobi
|
Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dawladda Switzerland u fadhiya magaaladda Nayroobi ee dalka Kiiniya oo uu weheliyo u qaybsanaha safaaradda Switzerland arrimaha Somaliland/Soomaaliya oo dalka booqasho ku yimid.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada una ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale danjiruhu waxa uu madaxweynaha u sheegay in imaatinkoodu u joogto noqon doono, iyadoo ay soo jiidatay waxyaabaha ay ku arkeen dalka muddadii ay joogeen oo uu sheegay inay iswaafaqeen wixii uu hore u haystay.
Waxa uu danjiruhu intaa ku daray inay aad ula dhacsanyihiin horumarka ka muuqda dalka ayna doonayaan inay dhagaystaan fikradaha ay qabaan madaxda Somaliland. "Sidaasi awgeed waxaan aad u xiisaynayaa inaan dhagaysto aragtiyahaaga iyo talaabooyinka aad ku talo jirtaan inaad qaadaan," ayuu yidhi Danjiruhu.
Madaxweynuhu waxa uu danjiraha iyo weftigiisa uga xogwaramay xaaladda dalka iyo mawqifka gooni isku taaga Somaliland waxaanu u sheegay in Somaliland aanay ahayn gobol ka go’ay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee ay ahayd qaran xornimadda ka hor qaatay Soomaaliya, isla markaana xuduudihiisa caalamiga ah la aqoonsanyahay.
"Rabitaanka shacbigan oo shantii Soomaaliyeed midnimadooda ugu biiray Muqdisho ayaa dagaal qadhaadh ka dib, dib ula soo noqday xornimadiisii anaguna waxaanu u adeegnaa oo aanu u shaqaynaa doonista shacbiga mana jiro masuul wax ka bedeli kara" ayuu yidhi madaxweynuhu.
Mudane Rayaale waxa kale oo uga waramay sidii Somaliland iyadoo cidina gacan siin ay arrimaheeda u xalilatay iyo sida midnimadda ahayd ee ay ugu guntatay heerkan inay soo gaadho, maantana la marayo doorashadii labaad oo loo diyaar garabayo.
Waxa uu madaxweynuhu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay "waxaanu geedi u nahay helitaanka aqoonsi caalami ah iyo hirgelinta hanaanka dimuqraadiyadda, anagoo u heelan dhismaha dalka, sidaasi awgeed shacbigani waligii ma ilaawi doono cidii arrimahaasi gacan ka siisa". Ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.
Top
Khilaafkii Doorashada Maayorka Gebilay Oo Lagu Soo Af-Jaray Xaflad Xil-Wareejin Ah |
Gebilay (Haatuf): Maayarka cusub ee degmada Gebilay, Muxumed Geelle Seed ayaa shalya xilka kala wareegay maayarkii hore ee ku meelgaadhka ahaa Abiib Xasan Fil-fil oo xilka hayey muddo afar bilood iyo dhawr maalmood ah, waxayna labadaa masuul xilka kula wareegeen xaflad lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta dawladda hoose ee Gebilay, iyadoo uu munaasibadda xilka lagula kala wareegay ay goob-jooga ka ahaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin: wasiirka cusub ee waxbarashada, Cismaan xasan Mire, mudane Xuseen Xaaji Cabdi iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha iyo weliba xubno ka tirsan hogaamiyayaasha dhaqanka iyo bulshada ee degaanka Gebilay, sidoo kale waxa xafladaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha golaha degaanka ee dhowaan la soo doortay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan waxa xafladaa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin labada nin ee xilka la kala wareegay, laakiin ugu horayn waxa cod-baahiyaha qaatay Aadan-weli oo ah xoghayaha xafiiska UDUB ee degmada Gebilay, kuna soo dhoweeyey maayarkii xilka wareejiyey, Abiib Xasan Fil-fil, wuxuuna Abiib halkaa ka jeediyey hadal ku wajahan munaasibadda xil-wareejinta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Sharaf bay ii tahay inaan munaasibaddan sida fiican loo agaasimay inaga oo gacmaha iswada haysana aan xilka ku wareejiyo Muxumad Geelle Seed, anaga oo ku wareejinayna nabad iyo anaga oo aan cidna is-jiid-jiidayn", laakiin Abiib Xasan waxa uu farta ku fiiqay dhibaato biyo la’aan ah oo ka jirta degaamada Gebilay, gaar ahaan magaalooyinka Gebilay iyo Togwajaale.
Maayarka cusub, Muxumed Geelle Seed oo hore maayar uga soo noqday Gebilay ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa "Noqoshada aan mar labaad ku soo noqday maamulka degmada oo aad idinku sabab u tihiin waxaan idin leeyahay far keliyi fool ma dhaqdee 21-ka mudanena waxba noqon maayaan, aniguna waxba noqon maayo hadii aynaan iskaashan oo gacmaha isqabsan, ta kale siyaasadii iyo wixii aynu ku tartamaynay way soo dhamaadeen, ilaahayna wixii dhibaato ah ee aynu kala tirsanay haynaga dhaafo, maalinkaa maanta ahna cid ay qardoofo na soo dhexmartay Maxamed Maxamuud baa ugu dambeeyey oo cid aan wax u hayaa ma jirto, berigii hore maan dhaarsanayn, maantase waa lay dhaariyey, horena qabyaalad layguma sheegin maantana waa lay dhaariyey, waxaana idiin ballanqaadayaa inaan dadka iyo dalka daacad u noqdo."
Xil-wareejintani waxay ka dambaysay khilaaf xoog leh oo muddo ka dhex-oognaa xubnaha golaha degaanka, taas oo ay xaaladoodu gaadhay inay u kala fadhiistaan labada qaybood oo ay qayb weliba goonideeda u dooratay maayar iyo maayar-xigeen, iyadoo ay labada nin ee la kala doortay kala ahaayeen Maxamed Maxamuud oo hadda tanaasulay iyo Muxumed Geelle Seed oo ah ninka xilka la wareegay. Sidaa darteed maayarka cusubi isaga oo xusaya khilaafkii dhacay wuxuu yidhi, "Caano daatayba dabadood la qabay, markaa waar wixii yaraa ee ina dhexmaray aynu iska ilowno oo aynu wax wada qabsano, talo aan loo dhamayna la qaban-maayo."
Waxa isna munaasibaddaa ka hadlay mudane Xuseen X. Cabdi Caamir oo xubnaha golaha degaanka kula dardaarmay inay isku duubnaadaan, meelna uga soo wada jeestaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen degaankooda.
Wasiirka cusub ee waxbarashada, Cismaan Xasan Mire oo isagu ka odayeeyey, kuna guulaystay inuu dhameeyo khilaafkii ka dhex-oogmay xubnaha golaha degaanka ayaa isna munaasidaa ka hadlay, wuxuuna ugu horayn u mahad-naqay dadkii kala duduwanaa ee xafladaa ka soo qayb galay, isaga oo si gaar ah ugu sii mahad-naqay cuqaasha iyo duqayda degaankaa oo uu sheegay inay kala qayb qaateen hawshii dhexdhexaadinta iyo isu soo dhowaynta dhinacyadii iskhilaafay ee golaha degaanka, isla markaana wasiirku waxa uu xubnaha golaha degaanka ku booriyey inay iskaashadaan oo ay hawlahooda gacmaha isu qaybsadaan, laakiin gebagebadii xafladda gudoomiyaha maxkamadda degmada Gebilay ayaa toban xubnood oo ka mid ah xubnaha 21-ka ah ee golaha degaanka Gebilay halkaa ku dhaariyey, tobankaa xubnood oo ahaa garabka mucaaradka waxay ka maqnaayeen munaasibad hore oo lagu dhaariyey xubnaha kale.
Top
Dabar-Goynta Gudniinka Fircooniga Ah Oo La Soo Gebogebeeyay |
Hargeysa (Haatuf) Siminaar ku saabsan dabargoynta gudniinka fircooniga ah oo ay ka soo qayb qaateen 20 dumar ah oo ka kala socda gobolada Togdheer, Saaxil, Iyo Hargeysa ayaa maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay xarunta dalaayadda kosongo ee Hargeysa.
Siminaarkan oo socday muddo lix maalmood ah ayna soo qaban qaabiyeen ururadda Candlight iyo PWF "Public Walfare Foundation USA" waxa ay ka qayb galayaasha oo ahaa dumarka ku shaqeeya gudniinka fircooniga ah ay ku qaateen duruus ku saabsan waxyeeladda uu leeyahay gudniinka fircooniga ah iyo sida loogu baahan yahay in cadaadis la saaro, in laga dabarjaro bulshadda waxa kale oo ay ku qaateen waxa ay diinta Islaamku ka qabto gudniinka fircooniga ah iyo dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ee uu leeyahay gabagabadii siminaarkan waxa ka hadashay Kinsi Xuseen Qawdhan oo ah madaxa caafimaadka ee Candlight , iyadoo ka warantay ujeedadii siminaarkan laga lahaa iyo duruustii ay haweenku ku qaateen muddada uu socday waxaanay kula dardaarantay ka qaybgalayaasha uu siminaarku u xidhmay inay ficil ahaan u dhaqan galiyaan duruustii ay qaateen dedaalna u galaan sidii loo dabar goyn lahaa caadadan.
Waxa iyaduna ka hadashay Waris Cali Warsame oo ku hadlaysay magaca ka qayb galayaasha siminaarka iyadoo ka warantay faa’iidada ay ka heleen siminaarkan oo ay sheegtay inuu aad wax uga badalay fikradii ay markii hore ka haysteen gudniinka ayna fahmeen dhibaatadda uu u leeyahay gabdhaha lagu sameeyo, iyaga laftooduna ay hore u soo arkeen dhibaatadda uu leeyahay maadaama hore loogu sameeyay.
Sidaa darteedna waxay balan qaaday inay u guntan doonaan sidii loo dabar jari lahaa caadadan ayna gaadhsiin doonaan goobihii ay ka yimaadeen ugu dambayna waxay u mahadnaqday hay’adihii soo qabanqaabiyay siminaarka oo kala ah Candlight iyo PWF.
Top
Maxaa Caawiya Faafitaanka Xanuunka TB-Da |
Xasaan Cumar Xagaa -- Boorama,TB Programme
Waxa jira xaalado kale oo caawiya faafitaanka TB’da wakhtigan xaadirka ah ,waxana jira in dad badan oo qaaday jermiska keena TB'du ay yaraantoodii aanu kasoo bixin sababtoo ah waxa jidhkoodu lahaa awood uu iskaga difaaco. Markase oo qofkaasi u baxo meelo qabow ah ama guryahu ay qaboobaan si fiicanna loo daaweeyo xanuunkaasi wuu ka baxaa. Waxa kale oo iyana faafitaanka xanuunkaasi sii faafiya dhaqdhaqaaqa dadka ama safarada dadka adduunka oo si xoogle usoo kordhaya socdaalkaa awgiina ma jiro ma jirto cid iska celin karta gaadiidkaa .Tusaaale gaaban haddaan soo qaadanno socdaalka dadyowga dunida waxa lagasoo qiyaas qaatay dalka Maraykanka sannadkii 1995kii oo keliya ayaa waxa dalkaa u socdaalay dad gaadhaya ilaa labaataan milyan oo qof debeddana kasoo galaydalkaasi ,halka dadka ka baxay dalka maraykankaee u socdaalay dalalka yurub ay gaadheen ilaa lixdan milyan oo qof.
Dalalka Yurub iyo Ostraaliya ayaa saddex meelood hal meel ay yihiin dad qaba xanuunka TBda dadkaa oo la sheegayo inay debedda kasoo galeen. isku socodka dadka ayaa la sheegeyaa inuu soo kordhay xaaladdana waxay u egtahay mid kasii daraysa.Dalalka ugu socdaalka badaan leh ayaa waxa ka mid ahdalalkii iyagu ka hadhay midwgii Soofiyeti kana mid yihiinRussia, Latvia, Romania, Ukraine, iyadoo bariga reer Yurubna ay xoogle ugu socdaalayaan dalalaka maraykanka.
Guud ahaan xaaladahan an soo sheegnay ayaa waxa ugu murugo badan kuwa ka dhashay xaaladdahan .waxana lagu qiyaasaa dhibaatooyin dabiici ah kuna keeni kara dadka barakac waana qaxootiga ku baahay darafyada dunida oo ugu yaraan boqolkiiba 15 ay qabaan xanuunkan TB,da . uyadoo sida la sheegey 26milyan oo qof oo qaxooti ahi oo xanuunkaasi hayo ay dunida ku noolyihiin Dadkan oo ah kuwa ugu nugul ama kuwa u jilicsan qaadista xanuunkan ayaa ah dad socoto ah sidaa darteedna ay adagtahay inay dawada si fiican u qaataan ,kuwaasoo isla markaana sii badiya socdaalkooda ama safarradooda ay ku tegeyaan daafaha kale e dunida si nolol fiican ay u helaan . Tassina waxay keentaa faafitaanka xanuunka oo dalalka ay u safrayaan ugasii horreya .Waxa kale oo khatarta xanuunka sii xoojinaya ilowshaha ay dalalka horey u maray ilaaween cudurkan iyagoo isku haleeyey dawooyinkii lasoo saaray intii ka horreeysay 1950kii.Hadda ayuunbabay dalalkaasi ku baraarugeen TBdan soo noqnoqonaysa oo weliba uu ku qarsoomo HIVlAIDSku.
Top
Wefti Hoggaanka Xisbiga UCID Ah Oo Gaadhay Dalka Norway |
Iyagoo weli ku dhexjira booqashooyinkoodii hawleed ee ay ku joogeen dalalka Waqooyiga Yurub, waxa weftida hogaanka sare ee UCID 19.02.2003 kii soo gaadheen dalka Norway halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway Md. Axmed H. Nur, maamulka Jaaliyadda Somaliland iyo madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Norway.
Waxay (20.02.2003) la kulmeen Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Norway kuwaas oo kala ahaa Mr. Tore Hattrem oo ah Kaaliyaha Agaasimaha Guud ee Waaxda Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Lataliye Geir Sjoberg. Kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayuu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Warabe ku balbalaadhiyey qadiyadda Somaliland iyo sidii dawladda Norway uga gacansiinlahayd mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo Somaliland si loo xoojiyo xasiloonida iyo nabadda ka hanaqaaday Somaliland. Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu usoo jeediyey Wasaaradda in la taageero Guddiga Doorashoyinka Qaranka loona diro Somaliland goobjoogayaal caalamiya. Waxa kulanka goobjoog ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Md. Cabdiraxman Ciro, Wakiilka Somaliland u fadhiya Norway Md. Axmed Xaji Nuur, Xoghayaha Beeraha ee Xisbiga Md. Cabdiraxman Jaamac, Eng. Naasir Xaji Cali oo ah Isu-duwaha UCID ee qaaradda Yurub iyo xubno kale oo xisbiga ka tirsan.
Isla galabnimadii waxay weftiga UCID la kulmeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Dalka Norway oo ay kamid ahaayeen Md. Bjorn Jacobsen oo ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Socialist Left Party iyo Md. Baakistaani menber. Xildhibaanada oo xiisaynayey dalka Somaliland waxa Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Warabe uga xaalwaramay Somaliland iyo horumarka siyaasadeed ee ay gaadhay. Waxa sidoo kale uu u faahfaahiyey sida ay shacabka Somaliland ugu guulaysteen inay nabad ka dhaliyaan wadankooda. Waxay sheegeen xildhibaanadu inay xiisaynayaan horumarka siyaasadeed ee ka socda wadanka Somaliland.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan maamulka laanta UCID ee Norway ayaa ahaa mid aad moodaysay in ay labada dhinacba isla fahmeen ahmiyadda ay Somaliland horumarkeeda iyo sumcaddeeda u leedahay Doorashada Madaxweynaha ee dhicidoonta 14.4.2003. Waxay kaloo isku afgarteen in sidii ay u suurtoobayso loogu hawlgalo in loo diro muraaqibiin caalamiya ha noqdaan kuwo dawladda Norway ka socda ama kuwa madaxbanaan. Hawlaha hogaanka UCID oo halkaa kasii socondoona ayaa 21.2.2003 galabnimadkeeda kulan la yeelandoona madax sare oo ka tirsan dawladda Norway kana mida xisbiga SDP ee dalkan, xisbigaas oo ay xidhiidh fiican leeyihiin Xisbiga UCID ee Somaliland.
Maxamuud Maxamed
Helsinki,fInland
Top
Ururka ASAD Oo
Shaaca Ka Qaaday Inuu La Midoobay Xisbiga UDUB |
Qayb uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee ASAD (C/raxmaan aw Cali) ayaa u jabay dhinaca xisbiga KULMIYE
Hargeysa (Haatuf): Hogaanka urur-siyaasadeedka ASAD ayaa markii u horaysay shalay soo saaray go’aan ay daboolka kaga qaadayaan inay la bahoobeen xisbiga UDUB, laakiin dhinaca kalena qaar ka mid ah hogaamiyayaasha ururka ASAD ayaa sheegay inay ku biirayaan xisbiga KULMIYE.
Sida ku cad qoraal ay ku saxeexanyihiin gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo gudoomiye-kuxigeenka labaad ee ururka ASAD, Fu’aad Aadan-Cadde iyo 24 xubnood oo ah guddiga sare ee hogaaminta ururka waxay go’aamiyeen inuu ururka ASAD la midoobay xisbiga UDUB. Hase yeeshee xubno ay ka mid yihiin gudoomiye-kuxigeenkii koowaad ee ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee ASAD, Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhegaweyne) ayaa sheegay inay la bahoobi doonaan xisbiga KULMIYE, wuxuuna go’aankani ka dambeeyey fadhi ay shalay yeesheen hogaanka sare ee ururka ASAD, fadhigaasna waxa lagu lafaguray aayaha ururka ASAD sida laga yeelayo, iyadoo uu ajandaha laf-dhabarkiisu ahaa xisbiga kale ee uu ASAD la midoobayo, taas oo sida la sheegay ahayd dood muddo soo jiitamaysay, laakiin shalay lagu soo afjaray.
Go’aanka fadhigaa ka soo baxay ee cadaynaya inuu ASAD la midoobay xisbiga UDUB waxa qoraalkiisa lagu bilaabay "Maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay 22/2/2003 waxa shir balaadhan isugu yimi guddiga fulinta iyo guddiga joogtada ah ee golaha dhexe ee ASAD oo xilkeedu yahay daadihinta hawlaha golaha dhexe, waxayna shirkaa ujeedadiisu ahayd: (A). Dhamaystirka iyo ansixinta go’aan ay 19 xubnood oo guddiga fulinta ah oo ay ka mid yihiin saddexda xubnood ee shirgudoonka ASAD hore 29-kii Jananweri, 2003 u keeneen, go’aankaas oo ahaa inay ASAD iyo UDUB midoobaan.
B- Dhegaysiga xubno ka mid ah guddiga fulinta ASAD oo dalbaday inay u wareegaan urur kale. Laakiin shirkan waxa ka soo qayb galay 17 xubnood oo ka mid ah guddiga fulinta oo ay tiradoodu dhan tahay 24 xubnood, iyadoo ay saddex xubnood hawl ku maqnayd, waxa kale oo ka soo qayb galay 9 xubnood oo ka mid ah guddiga joogtada ah ee golaha dhexe ee ASAD oo ay tiradoodu dhan tahay 13 xubnood, laakiin xubin ka mid ahi hore ururka uga baxday, laba ka mid ahina hawl ku maqanyihiin.
Shirkan oo sharci ahaan kooramku dhamaa xubnaha ka soo qayb galay waxay guud ahaan si hufan uga doodeen qoddobadii ajandaha ee shirka horyaalay, waxayna soo saareen go’aamadan:
-
Waxay go’aamiyeen in ururka ASAD iyo ururka UDUB midoobaan, dhammaan xubnaha labada guddi ee shirka ka soo qayb galay way isku raaceen, marka laga reebo hal xubin oo guddiga fulinta ka mid ah oo ka biyo diiday.
-
Waxay guddiga fulinta iyo guddiga joogtada ah ee ASAD xubnaha shirka ka soo qayb galay isku dhami go’aansadeen in la aqbalo xubnaha dal-baday inay ASAD ka wareegaan, una wareegaan urur kale, xubnahaas oo ay tiradoodu dhamayd afar xubnood oo ka mid ah guddiga fulinta ASAD.
N.B. Waxa shirkan ka maqnaa oo aan ka soo qayb gelin gudoomiyihii golaha dhexe ee ASAD, waxaase shirka hagayey gudoomiyaha ururka, gudoomiye-xigeenka golaha dhexe iyo xoghayaha golaha dhexe. Hase yeeshee waxa na soo gaadhaya war sheegaya in xubnaha qoddobka sare ku xusan ee dal-baday inay ASAD ka wareegaan ay la xsocdaan (Isku mawqif yihiin) gudoomiyaha golaha dhexe ee ASAD oo shirka ka maqnaa iyo 4 xubnood oo kale oo ka mid ah golaha dhexe ee ASAD, laakiin kama hayno wax dalab ah oo ay ururka ASAD kaga wareegayaan, waxayna labada guddi ee shirka fadhiyey isla garteen in hadii ay xubnahaas dalab ka yimaado in laga aqbalo" ayey ku soo xidheen qoraalkooda, waxaana go’aankan ku saxeexan gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo gudoomiye-kuxigeenka golaha dhexe, Maxamed Saqadhi Dubad, laakiin 24 xubnood oo kale ayaa iyaguna ku saxeexan qoraalka, waxayna magacyadoodu kala yihiin: Fu’aad Aadan-cadde (gudoomiye-xigeenka 2ad), Ibraahin Maxamuud Faarax (Xoghayaha fulinta), C/laahi Ismaaciil (Shoodhe-bidhaan) xubin guddiga fulinta, Cali Xasan Sheekh-doon (Xubin guddiga fulinta), Maxamed Maxamuud Oday (Guddiga fulinta), Axmed Aadan Bile (Guddiga fulinta), C/raxmaan Cismaan Cabdile (Guddiga fulinta), Maxamed Aw-Faarax Maxamuud (Guddiga fulinta), Maxamed Muuse Diiriye (Guddiga fulinta), Cismaan Aadan Dool (Guddiga fulinta), C/raxmaan Cismaan Caalin (Guddiga fulinta), Maxamed Kaahin Axmed (Guddiga fulinta), Aadan Muxumed Hoori (guddiga fulinta), Yuusuf Maxamed Cali (Guddiga fulinta), Yaasiin Maxamud Xiir (Guddiga fulinta), Maxamud Xaaji Cali (Guddiga fulinta), Maxamed Saqadhi Dubad ( Gudoomiye-xigeenka guddiga joogtada ah), Yuusuf Bashiir Xirsi (Xoghayaha guddiga joogtada ah), Jaamac Ismaaciil Cige (Guddiga joogtada ah), C/risaaq Siciid Bulaale (Guddiga joogtada ah), Axmed Cabdi Kaahin (Guddiga joogtada ah), Siciid Shire Xuseen (Guddiga joogtada ah), Baashe Garaad Maxamuud (Guddiga joogtada ah), Maxamed Jaamac (Guddiga joogtada ah) iyo Siciid Maxamed Nuur (Guddiga joogtada ah).
Dhinaca kalena xubno ka tirsan gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee ASAD, Ibraahin C/laahi Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee ururka ayaa sheegay inay la midoobayaan ama ku biirayaan xisbiga KULMIYE, iyaga oo intaa ku daray inay hadda ka dib soo saarayaan wixii tafaasiil iyo go’aamo ah ee la xidhiidha midowga iyaga iyo KULMIYE, sidaana waxay ku sheegeen qoraal kooban oo ay ku saxeexan yihiin C/raxmaan Aw-Cali iyo Ibraahin C/laahi Xuseen.
Top
Maxamed-Rashiid
Sh. Xasan (Musharax Madaxweyne Ku Xigeen) Iyo Koox Dhallinyaro Ah Oo
Isku Qaabilay Kulan |
Hargeysa (Haatuf): Ururka dhalinyarada ee magaciisa la yidhaahdo HILAAC oo ka mid ah ururada dhalinyarada ee taageera xisbiga KULMIYE ayaa maalinimadii Jimcihii xafiis ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa ku qaabilay ninka la yidhaahdo Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, laakiin xisbigiisa uga sharaxan inuu isu taago tartanka jagada Madaxweyne-kuxigeenka, wuxuuna kulanka uu Maxamed Rashiid ururkaa dhalinyarada ah la yeeshay qayb ka ahaa olole uu ugu yaraan waday dhawrkii toddobaad ee ina dhaafay, taas oo uu taageero ugu doonayo gaar ahaan musharaxnimadiisa jagada Madaxweyne-kuxigeenka, guud ahaana ururka uu ka tirsan yahay ee KULMIYE. Sidaa awgeed xaflad kooban oo ay Maxamed Rashiid iyo kooxahaa dhalinyarada ahi isku waajaheen waxay isku dhaafsadeen hadalo u badnaa doodo iyo su’aalo la xidhiidha wacyi siyaasadeedka dhinaca doorashooyinka madaxtooyada ee la naawilayo iyo barnaamijka xisbiga KULMIYE uu doonayo inuu soo bandhigayo, sidoo kale Maxamed Rashiid waxa uu si gaar ah uga hadlay musharaxnimadiisa, isaga oo sheegay inuu aaminsan yahay in hadii uu kaalin ku yeesho hogaaminta iyo talada wadan uu wax ku soo kordhin karo dhinacyo ay ka mid yihiin horumarinta aqoontu iyo kobcinta da’yarta. Sidoo kale Maxamed Rashiid waxa uu cabaar ka sheekeeyey siyaalaha iyo waxyaalaha loo baahan yahay marka la doonayo in isbedel siyaasiya la helo, isaga oo sheegay in loo baahan in cidda isbedelka doonaysaa ay la timaaddo barnaamijyo wax ku ool ah, isla markaana waxa uu ku faanay inuu xisbigiisa KULMIYE doonayo inuu isbedel wax ku ool ah wadanka ku soo kordhiyo.
Dhinaca kalena hogaamiyayaashii ururka dhalinyarada ayaa hadalo koob-kooban madashaa ka jeediyey, iyaga oo soo dhoweeyey aragtida Maxamed Rashiid, isla markaana u muujiyey inay taageersan yihiin mawqifkiisa musharaxnimada Madaxweyne-kuxigeenka.
Marka laga yimaado ninka la yidhaahdo C/risaaq iyo xubno kale oo kulanka qabanqaabadiisa hormuud ka ahaa waxa ka mid ahaa xubnihii kale ee halkaa ka hadlay Axmed Maxamud oo ah gudoomiyaha ururka HILAAC iyo Khadar Siciid, C/kariin Maxamed, C/raxmaan Maxamud iyo gabadha la yidhaahdo Najax C/laahi Faarax oo ah gudoomiyaha garabka haweenka ee ururka dhalinyarada HILAAC.
Maxamed Rashiid waxay dhalinyaradaasi u soo bandhigeen dareenkooda iyo weliba baahiyahooda yar yar ee waqtiga xaadirka ah, laakiin sidoo kale waxay dhalinyarada HILAAC farta ku fiiqeen waxyaalaha ay mustaqbalka hadii uu xisbiga KULMIYE ku soo baxo tartanka madaxtinimada doonayaan in loo qabto hadii ay yihiin da’yarta.
Top
Shirweyne Hargeysa Uga Furmay Ururada Bulshada Ee Somaliland Iyo Somalia |
Hargeysa (Haatuf) shir ay ka soo qayb galeen in ka badan (200) laba boqol oo qof oo kala socda ururadda bulshadda ee Somaliland/Soomaaliya ayaa shalay ka fumay Hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa.
Shirkaa oo uu furay wasiirka wasaaradda qorshaynta Axmed X. Daahir Cilmi oo u sheegay ka qayb galayaasha in looga baahanyahay inay shirkan ka soo saaran wax u cuntama dadka ay wakiilka ka yihiin, waxa isna furitaanka shirkaa ereyo kooban ka yidhi gudoomiyahaa golaha deegaanka ahna maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Jiciir oo u sheegay dadka ka socday ururada bulshadda inuu isagu yahay maamul cusub oo lagu soo doortay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 15-kii December, wuxuuna intaa ku daray inay soo dhawaynayaan ka qaybgalayaasha shirka.
Gudoomiyaha jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan ayaa isna ka waramay kaalinta iyo ahmiyadda ay ururada bulshadda ku leeyihiin horumarka, dhaqaalaha iyo nabadgelyada.
Mr. Murtozo Jaffer oo ka socda hawlwadeenada sare ee NOVIB ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada laga leeyahay shirka iyo waxyaabaha looga baahanyahay ururadda bulshada wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaantahay inay ururadu runta isku sheegaan oo ay qirtaan wixii dhaliilo ah ee ay leeyihiin si ay taasi u fududayso inay deeqbixiyayaashu marka ay hortooda yimaadaan ugu sheegaan wixii ay dhaliilo leeyihiin iyagoo ka hadlaya magaca ururadda bulshada rayidka ee soomaalida.
Mr. Murtozo wuxuu sheegay inay ururadu isweydiiyaan inay yihiin kuwo xaq ah oo ay raali ka tahay bulshaddii ay ka yimaadeen isla markaana daaha looga rogi lahaa cida ah ururadda bulshadda rayidka ah iyo siday arrintaasina ay tahay mid u taala sidii loo qeexi lahaa ururadda bulshadda ee shirkaa ka soo qaybgalay.
Mr. Murtozo wuxuu intaa raaciyay in aanay ururadda bulshadu habaysnayn sidaa awgeedna aanay xilkaa qaadi karin, balse waxa la sheegay inay iyaga ururada u taal inay hadlaan oo sheegaan dhaliisha ay iyagu leeyihiin deeq bixiyayaashu (Donors).
Shirkaa waxa lagu soo bandhigay qoraalo kala duwan iyo daraasado ay hore u sameeyeen hay’adda NOVIB, kuwaasoo ka hadlayay siyaasadda deeqbixiyayaasha ee ku jihaysan Somaliland iyo Soomaaliya, iyo qoraalo daraaf (Druft) ah oo lagu shaxayo ururadda bulshada ee ka shaqeeya Somaliland iyo Soomaaliya tiradooda iyo tayadoodaba iyadoo la doonayo inuu shirkani noqdo mid ay ka soo baxaan ujeedooyin midaysan oo ku saabsan wada shaqaynta ururadda Bulshada ee Somaliland iyo Soomaaliya waxaana ka qayb galayaasha loo qaybiyay koox koox si ay uga doodaan su’aalo la xidhiidha ujeedada iyo sida ay u shaqeeyaan ururadda bulshadda iyo waxyaabaha loogu baahan yahay.
Shirkan oo socon doona muddo shan maalmood ah waxa la doonayaa inay ka soo baxaan go’aamo midaysan oo wax weyn ka tara sidii ay u wada shaqayn lahaayeen ururadda bulshadda Somaliland/Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashu waxaana soo qaban qaabiyay hay’addaha NOVIB, FOPAG iyo NAGAAD oo ah gabood, ay ku midoobeen in ka badan 32 urur haween oo Somaliland ahi. iyadoo la filayo inay shirka maanta soo gaadhaan diblomaasiyiin ka socota hay’adaha deeqda bixiya.
Top
"Wax Dhexdhexaadin Ah Kamaan Gelin Maamulka C/Qaasim Iyo Maraykanka, Shakina Kuma Jiro In Weerar Lagu Qaadayo Ciraaq..." |
Waraysi - Madaxweynaha Jabuuti (Ismaaciil Cumar Geelle)
Djibouti (Sharqul Awsad) Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa beeniyay inuu Madaxweynaha Maraykanka George Bush u gudbiyay markii uu dhawaan ku tagay booqashada dalka Maraykanka, wakhti go’an oo la bilaabo weerar lagu qaado dalka Ciraaq, laakiin wuxuu tilmaamay in diyaargarawga balaadhan ee ay ku jiraan ciidamada Maraykanku ay xaqiijinayso sida weerar loogu qaadayo dalka Ciraaq.
Madaxweyne Geelle wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu dhawaan la yeeshay wargeyska Sharqul Awsad ee ka soo baxa, magaalada London ee dalka Ingiriiska, isaga oo intaa ku daray inaanu diidayn in ciidamada Maraykanka ee dalkiisa ku sugan in laga soo kordhiyo inta ay haatan yihiin isaga oo tilmaamay in ciidamada maraykanka ee haatan ku sugan dalkiisa ay tiradoodu dhantahay sagaal boqol oo askari, balse wuxuu carrabaabay inaanay dawladdu maraykanku u baahnayn inay ciidamadaa u isticmaasho weerar lagu qaado ciraaq, t aasoo uu sabab uga dhigay kala fogaanshiyaha masaafada u dhaxaysa ciraaq iyo Djibouti, Waxa kale oo uu beeniyay Ismaaciil Cumar Geelle warar maalmahanba soo baxayay oo sheegayay, inuu Ismaaciil Cumar Geelle isku dayayo dhex-dhexaadinta maamulka C/Qaasim ee Muqdisho iyo dawladda Maraykanka iyo inuu dhambaal u ka sido C/Qaasim u gudbiyay Madaxweynaha Maraykanka, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ka dayriyay xaaladda geeska Afrika guud ahaan oo uu ku tilmaamay mid adag, marka laga eego dhinacyada dhaqaalaha, amaanka, iyo siyaasadaba.
Waraysiga uu wargeyska Sharqul Awsad la yeeshay Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu dhacay sidan:
S: Maxaad ku qiimayn lahayd booqashadaadii u dambaysay ee aad ku tagtay Maraykanka, raalise Ma ka tahay heerka uu marayo cilaaqaadka aad la leedihiin maraykanka?
J: waxay ahayd booqasho wax ku ool ah isla markaana waxtar leh, aad baanan raali uga ahay heerka u marayo xidhiidhka naga dhaxeeya maraykanka.
S: Ma ka hesheen dawladda maraykanka wax macaawina dhaqaale oo cusub, mase u dhigantaa macaawinadaasi adeegyada aad u qabataan ciidamada maraykanka ku sugan dalkiina?
J: Heerka uu marayo xidhiidhka naga dhaxeeya wuxuu u dhigmaa horumarinta iskaashiga naga dhaxeeya, iyadoo dhawaana laga furayo Djibouti xafiis ay leedahay hay’adda kaalmada maraykanka (usaid).
S: Maraykanku ma ku talo jiraan inay kordhiyaan ciidamada Maraykanka ka jooga Djibouti, mase ogolaanaysaan taas?
J: Ma jiro wax qorshe ah oo aanu ku diidanahay haddii ay maraykanku dalbadaan inay kordhiyaan ciidamada ka jooga Djibouti.
S: Adigoo ah madaxweynihii carbeed ee u dambeeyay ee la kulma Madaxweyne Bush ma rumaysantahay in weerar lagu qaado ciraaq u yahay mid geed ka go’an ah?
J: Marka la eego ciidamada faraha badan ee u maraykanku ku soo ururinayo mandiqada iyo diyaar garawga balaadhan ee ka muuqda, shaki kuma jiro sida uu maraykanku u doonayo weerar uu ku qaado ciraaq.
S: Ma gaadhsiisay maamulka Maraykanka sida aad u diidantahay weerar lagu qaado ciraaq, iyadoo la adeegsanayo saldhigyada dalkiina?
J: Mawqifka Djibouti waa mid waligiiba ka soo horjeeday haatana ka soo horjeeda weerar lagu qaado ciraaq, iyadoo la adeegsanayo saldhigyada dalkayaga ama dal kaleba, waxaanan rumaysanahay inaanu maraykanku u baahnayn saldhigyada Djibouti marka la eego masaafadda aad ka u kala fog ee noo dhaxaysa ciraaq, iyo iyadoo ay jiraan saldhigyo kuwa dalkayaga ka fiican oo ku dhaw ciraaq. Joogitaanka ciidamada maraykanku ee Djiboutina waa mid magac u yaal ah iyadoo aanay tiradoodu ka badnayn 900 boqol oo askari ilaa hadda.
S: Ma kugu wargaliyay Madaxweynaha maraykanku inuu goostay inuu weeraro Ciraaq, wakhti go’an se ma kuu sheegay?
J: Kama maqlin Madaxweyne Bush wakhti go’an oo weerar lagu qaadayo ciraaq.
S: Siday Kuugu muuqataa in lagaga badbaadayo dagaal ka dhaca Khaliijka?
J: Waxa suurta gal ah in dagaalka lagaga badbaado dariiqa diblomaasiyadeed waxaase shardi u ah in dawladda Ciraaq ay iskaashi la samayso baadhayaasha hubka ee QM.
S: Wax raad ah Djibouti ma ku yeelanayaa weerar lagu qaado ciraaq, wax qorshe ahse ma ka sii samayseen aad arrintaa kaga hortagaysaan?
J: Dabcan wuu raadaynayaa Djibouti haddii weerar lagu qaado Ciraaq iyo dawladaha kale ee gobolka oo dhanba. Haddii weerar lagu qaado ciraaq.
S: Maxaad isla soo qaadeen Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee maraykanka markii aad la kulantay?
J: Waxan la soo qaaday cilaaqaadka naga dhaxeeya labada dhinac iyo arrimo kale oo la xidhiidha mandaqada geeska Afrika, badda cas, iyo sida loola dagaalamayo argagixisada.
S: ma la odhan karaa Soomaaliya maaha bartilmaameed dagaalka uu maraykanku kula jiro argagixisada?
J: Soomaaliya marna maaha hadafka maraykanka marka la eego dagaalka uu kula jiro argagixisada, waanan la soo qaaday maamulka maraykanka arrinta soomaaliya, balse wax dhambaal ah kamaan qaadin C/Qaasim, wax dhexdhaxaadin ahna iskumaan dayin inaan ka dhex sameeyo maamulka C/Qaasim iyo maraykanka.
S: Sideed u aragtaa mustaqbalka shirka dib u heshiisiinta ee haatan ka socda Kenya, balse ma rajaynaysaa in wax natiijo ahi ka soo baxaan?
J: Waxaan u rajaynaynaa shirkaasi inuu guul ku dhamaado, isagoo ah rajada shacabka soomaaliyeed oo dhan kuwaasoo la daba gadiyay arrimihiisa oo dhan.
S: Ma ka warwarsantihiin xidhiidhka saddex geesoodka ah ee dhexmaray dawladaha Yemen, Itoobiya iyo Suudaan oo idinka la idinka reebay?
J: Jamhuuriyadda Djibouti xidhiidh fiican lala leedahay dhammaan dawladaha gobolka, kaasoo ay ku soo socotay ilaa markay gobonimada qaadatay kaasoo ku dhisan dhexdhaxaadnimo iyo inaan la fara galinin arrimaha gudaha ee dal kale, mana rumaysnin siyaasad wax isweydaarin ah anagoo ku baaqnay in khilaafyada u dhaxeeya dawladaha lagu dhameeyo wada hadal nabadeed.
S: Maxaad ku sifayn lahayd xaaladda ka taagan geeska Afrika?
J: Xaaladda ka taagan geeska Afrika waa mid aad u adag, iyadoo ay jiraan abaaro ku habsaday gobolka, kuwaasoo yareeyay wax soo saarkii iyo xoolihiiba, isla markaana keenay gaajo iyo haraad ay u le’daan dad badani, marka taa lagu darro xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo amaanba oo sababay deganaashiiyo la’aan ka jirta gobolka iyo qalalaase siyaasadeed gobolka oo dhan.
Ismaaciil Cumar Geelle
Waxa la filayaa in ay shirka maanta soo gaadhaan diblomaasiyiin ka socota dalalka deeqda bixiya iyo wakiilo hay’adaha samafalka caalamiga ah.
Top
Carraale M. Jaamac
Walbahaarka Iyo Waayaha Nolosha
Q:2aad
Mr. Elmer isbeddelka noloshiisa iyo guulihii ugu horreeyey ee uu ku jebiyey walbahaarka uu ka qabay nolosha, waxay ahayd markii hooyadii kula talisay inuu ka qayb galo tartanka khudbadaha guud ee golohaas dawladaha hoose oo sannad kasta mar la qabto, inkasta oo ay Elmer arrintaasi si cuslaatay, sababtoo ah wuxu ahaa ninkii ka xishoon jirey inuu dadka soo dhex galo ama qof la hadlo, taasuna waxay keentay su’aasha ah sidee ayey uga suurta gelaysaa inuu la hadlo kumanyaal qof, haseyeeshee hooyadii oo arrintaa ku dhiirigelisay ayey khasab ku noqotay inuu ka hadlo, wuxuna doortay inuu ka hadlo khudbada fanka quruxda madaxbannaan ee Mareykanka, muu ahayn nin aqoon u leh fanka, laakiin wuxu ogaaday inaanay uga aqoon badnayn kuwa la tartamayaa, "Waxa qudha ee aan doonayey waxay ahayd inaan hooyaday raali geliyo oo aan ka soo baxo sida ay rabto," sidaa waxa yidhi Mr. Elmer oo ka hadlayay sababta ku kelliftay inuu isu taago tartankaa, wuxuuna diyaariyey khudbad uu ku qurxiyey waxyaabo kiciyey caadifada dadka oo xamaasad geliyey. "Waxa igu dhacay yaab iyo amakaag, sidii ay dadku u farxeen qaylo ayay cirka ku toleen, waxay cirka u ganeen koofiyadahoodii, dadkii igu jees-jeesi jirey, intay garabka iga dhirbaaxeen ayay yidhaahdeen, waanu kugu kalsoonahay inaad ku guulaysato tartanka. Hooyadayse intay gacanteeda igu qabatay ayey laabteeda igu dhejisay, markaasaa indhaheeda farxadii ilmo kasoo daadatay sida roobka," ayuu yidhi Mr. Elmer, wuxuuna sheegay inay taasu ahayd marka uu dib u fekero, taariikhdiisa guushii bilowga isbeddelka noloshiisa dhabta ah.
Waxa kaloo Mr. Elmer abaalgudkii la siiyey u dheeraa, isagoo helay sannad waxbarasho oo bilaasha, 1896 ilaa 1900, waqtigiisa wuxu u qaybin jirey si caddaalad ah oo ahayd waxbarasho iyo waxbarid, waqtigaa oo da’diisu ahayd 19 jir, wuxu akhriyey 26 khudbadood, taasaana ku dhelisay inuu u baydho xagga siyaasadda, wuxuuna Mr. Elmer markuu helay shahaadadii Jaamacadda u wareegay walaayada "Oklahoma", isagoo ka furtay xafiis qareenimo magaalada Cowton, wuxuuna ka shaqayey Golaha Odayaasha ee raacsan walaayadaa. 13 sanno ka dib waxa loo doortay xubin Kongareyska ah, markii uu cimrigiisu ku dhowaaday konton sanno wuxu gaadhay wixii uu weligii sugayey, waxaana xiligaa loo doortay xubin golaha Senetka Mareykanka ah, isagoo ka wakiil ah Golaha Wakiillada Oklahama, wuxuuna haystay kalsoonida Xisbiga Dimuqraadiga ah. Waxa hubaala Mr. Elmer Thomas, haddii aanu samaynin dedaalkii uu kaga dabaashay duruufihii iyo duufaanadii ka soo waajahay noloshiisa waqtigii yaraantiisa, inaanu gaadheen guusha uu gaadhay. Hase yeeshee dadkii iyagu yaqaanay yaraantiisii, waxay la yaabeen sida uu halganka ugu galay nolosha iyo siduu bulshada u dhexgalay, ninkii ka xishoon jirey inuu qof la hadlo. Taasu waxay ku tusaysaa inuu qof kasta oo sameeya dedaal uu gaadhi karo guusha uu doonayo iyo wuxu ku hamiyaayo, balse haddii uu si cilmiyeysan uga dabaalan waayo duruufaha iyo waayaha soo waajaha inay taasi noqonayso mid halis ku ah noloshiisa. Culimada cilmi nafsigu, waxay tilmaamo ka bixiyeen waxyaabaha keena iyo daalka aynu dareenaa inay ka dhashaan.
La soco caddadka dambe...
Top
Yaa Biyo Noo Soo Saara Shidaalkayaga ka Hor.
Kalmadahani qoraal ahaan way cusubtahay waxaanse u malaynayaa in dad badan laabtooda ay ka guuxayso, haa waa run waayo maaha markii ugu horeysay ee biyo yaraani inala soo daristo in kastoo la filayo biyo la’aan haddii xaaladu sidan ku sii socoto. Maqaalkaygan. Qormadda ah waxaan doonayaa sheeko ahaan iyo muuqaal ahaan inuu meel dheer ku dhaco dad badan aan fikrad ku kordhiyo haa sababtoo ah dhulkan aynu ku noolnahay waxa yaabo badan ayuu hodan ku yahay. dadkuna waa moogyahay anigoon kaftamayn waxaan odhan karaa ugu horeyn waxaynu ku ku dul noolnahay wabiga ama badda yar yar oo hoosta qulqulaya. Haddii dhulkani yahay dhulkii amniga, malaha dadku umaba yaqaano haddana waa dhulkii dharaga ma qadi karo oona baqan karo qofkii yimaadaa. Raac taariikhda haddii aad u baahato dhulkan dadkiisu waa ninkii sirta dhulkan fahmo maaha dhulkani kii haraadka iyo gaajadda ma noqon karo, laakiin qofkii ka tabcan waaya ama moognaada arrintaas kuma noolaan karayo macquul maaha umadu maanta meel kaliya iyo mishiin kaliya haka cabto.
Looma baahna in umadu sidan eegato canaanta biyo la’aanta maaha cid kaliya mid saaran ee waa gaabis umadeed haddaan umadu ka tashana xataa dawladdu kalideed waxba kama qaban karo iska daa wakaaladda biyaha’e.
Biyo la’aantu waa masiibo qaran, haa yaa noolaan kara biyo la’aan waa cidna xalku wuxuu yahay fikrad ahaan in la raad raaco ilo biyo mareen oo kale way buuxaane. Haddii lala tashanayo waxaa jooga raggii cilmiga xambaarsanaa waxaa la helayaa kuwo ka dhaw halka ay maanta inooga yimaadaan.
Umada oo maanta biyaha iyo laydhka laga haqabtiraa way horumari lahayd ilaa heer isku filaansho. Dadka maanta xilka iyo hogaaminta umadda u tartamaya waxaan leeyahay yaa ku darsanaya wax qabadkeeda soo saarka biyaha umadda hoos jiifa ee ay ka haraadan yihiin shidaalka ka hor.
Sh. Jaabir
Hargeysa
Top
Maa La Yidhaahdo Ururka Suxufiyiinta Dawladda? |
Annagoo ka mid ah suxufiyiinta, siyaasiyiin, iyo qorayaasha madaxa bannaan ee ku sugan magaalada Booarama waxan doonaynaa bal inaan wax ka taabbanno aragtida aan ka qabno shirkii ama kulankii ka dhacay ee la sheegay in lagu sameeyey sharci lagu dabro saxaafadda madax bannaan.Waxan u aragnaa shirkaasi inuu ahaa mid dawladdu wadatay dadka kasoo qaybgalayna anay dhaammaantood suxufiyiin ahayn ee ay dhici karto in xitaa waashmaannada Raadiyoo Hargeysa lagusoo daray, suxufiyiintii iyo qorayaashii gobolada dalka joogayna anay cidi ku marti qaadin ee dawladdu ay taqaanno inta iyada u shaqaysa oo keli ah sidaa darteedna anu shirkaasi noqon karin mid loo dhammaa ama mid caddaalad ku fadhiya .
Waxan odhan lahayn in kulnakaasi hadduu jiray loo bixiyo kulankii suxufyiinta Hargeysa, ama ururkii suxufiyiinta Dawladda. Waxan leeyahay halloo noqdo shir cadaalad ah oo ka madax bannaan inay soo abaabulaan wasiirro iyo Hangash ku shaqaaysata magac wargeysyada. Sidaa darteed waxan ku rajo weynnahay in xukuumadda, gaar ahaanna wasiirka warfaafinta dalku, uu ogaado suxufiyiinta dalka joogta oo laga yaabo qaarkood inay u shaqeeyaan wakaaladaha wararka caalamka, oo aanu u qaadan in suxufiyiinta dalka joogtaa ay yihiin kuwa uu subax walba ku arko Raadiyoo Hargeysa iyo Maandeeq amarna ku siin karo in la horjoogsado warka ama faalo kasta oo lagu dhaliilayo xukuumadda oo ka tirsanyahay.
Xasan Ciise
Dheeg m. Ducaale
Aadan Xaaji maxamuud
Top
W/Biyaha Hargeysa Halagu Wareejiyo Guddi |
Wakaalada Biyaha ee caasimadu waa murayada wadankoo dhan xaga biyaha. Maamulka wakaalada biyaha ee caasimadu waxay muujiyeen dadaal aan meelo kale oo dawlada ka midi aanay muujin. Iyagoon awood badan oo ay wax ku bedalaan aan heynin hadana waxaa wareysigoodii ay Haatuf siiyeen ka muuqatay dadaal. Seddexdii arimood ee looga baahnaa inay hore ugu mariyeen wakaalda iyo waxqabadkeeda badh ku dhaqaaqee ee maa laga warsugo. Taliska talada wadanka hayaa ma waxuu ku soo baraaruga markey biyo la aanu dhacdo, marka kalaba dan kama galaan ama lacagta wakaaladu ku leedahay xafiisyadooda iyo guryahoodaba ma bixiyaane. Warqadani waa tii sedexaad ee aan ka qoro biyo yaraanta Hargeysa iyo maamulkeeda. (Hargeysa's water shortage Dilemma I/II).
Hadaba waxa haboon in la is waydiiyo waxa ugu wacan biya yaraantan aan gunteeda la gaadhin ilaa maalintii ugu horeysay ee wadanka lagu soo noqday 1991, oo sedex jeer la bedalay maamulkeeda, marba markey biyo xumaan soo food saarto caasimada.
Runtii meel aan biyo jirin ama aan awood ay biyo soo saaris iyo biyo qaaybin ku filan magalada lahayn, lagana sugo dhibaatadeedu ma dhamaato, taasina waa ta haysata wakaalada biyaha ee Hargeysa. Siduu sheegay Injineerka wakaaladu, Hargeysa biyaha loo soo saaro iyo dadka degan biyaha ay u baahanyihiin isma kafeeyaan oo waxa ka maqan 1200CM maalintiiba.
Siduu uu Sheegay Injineerka Wakaaladu Dadka ku nool magaalada (750,000 qof)
Maalinkasta biyaha la soo saaro Maalinkasta biyaha loo baahanyahay Inta Ka dhimanMaalinkasta
8000 CM 20000 12000CM 12L/qofkiiba 30L/qofkiiba 18L/qofkiiba.
Siday Aniga ila tahay Dadka ku nool magaalada 650,000 oo Qof (1/2 of USA Stds 50Gal/Person)
Maalinkasta biyaha la soo saaro Maalinkasta biyaha loo baahanyahay Inta ka dhiman Maalinkasta 8000CM 120,000CM 112,000CM 12L/qofkiiba 185L/qofkiiba 173L/qofkiiba.
Hargeysi biyo yaraanteeda iyo biyo qaybinteeda dhiban waxay kaga bixi kartaa arrimaha soo socda oo si dhakhso leh wax looga qabto siday aniga ila tahay.
-
Shaqaalaha iyo waxsoo saarka oo la isku dheeli tiro
-
Labo Qasabadood oo 12" ah oo lagu daro biyo qaybinta Afar Barkadood oo lagu daro kuwa hada kaydiya biyaha (labo Dooxa Koonfur ka xiga oo Booster leh ama Lift pump leh iyo mid Airporka ah).
-
Awooda biyo soo saarista iyo qeybinta oo meel la isugu keeno.
-
Sheybaadhyo loo sameyo meelaha biyaha lagu keydiyo.
-
Shaqaalaha wakaaladu runtii wax wayn ayey qabtaan hase yeeshee tiradooda iyo ta loo bahayey isma le,eka oo waxaa badan shaqaalaha wakaalada u shaqeeyo oo hada waliba hoos loo dhigay. Weli 267qof oo shaqaale ahi way ku badan yihiin wakaalad biyo u qaybisa 8000 oo guri (2002) ama 9000 guri (2003) iyo ilaa 150 meelood oo biyaha lagu qeybiyo. Sida ay aniga ila tahay shaqaalaha wakaaladu waa inaanu ka badan boqolkiiba labo 2%. 9000*2%= 180 Shaqaale ah xitaa marka lagu daro Maamulayaasha. Lacagta ku baxda shaqaaluhuna waa inaanay ka badan 28% . Hadii guryaha biyuhu ku jiraan gaadhaan 20000 oo guri shaqaaluhu waa inuu noqdaa 400 oo wax soo saar leh ee aanay magic uun noqon.
-
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee magaalada biyaha soo gaadhsiiyaa waa laba qasabadood ee 12" ah oo qaadistootu yartahay. Markaa waxa loo baahanyahay laba qasabadood oo la mida kuwa hada shaqeeya laakiin biyaha aan iyagu qaybineen ee mid toos u geeynayso buurta Airporta, halkaasna Barkad intay ku shubto qasabada kalana dib ugu soo celinaya (Grid system) qasabdaha magaalada waraabiya iyada oo xawaare fiican magaalada ku gaadhsiinaysa biyaha inta dooxa ka sokeysa. Laba iyo tobanka ceel waa in la kiciyaa oo ay 16 saacadood shaqeeyaan. Ceelka cusubna in biyo soo saaristiisa laga kordhiyo 400CM saacadiiba weeye oo dhuumo ka weyn kuwa ku xidhan hada lagu badelaa.
-
Kharashka ugu badan ee wakaalada ka baxa, marka laga reebo dadka aan bixin lacagta biyaha waxa uu ku baxaa xooga ama korantada lagu soo saaro biyaha ama qeybintooda. Sida ka muuqatey waraysigii haatuf ay la yeelatay maamulka wakaalada iyo injineerka wakaalda waxa loo keenay shan mishiin oo laydh fiican oo ku filan wakaaladoo dhan u soo saaraya, hase ahatee wali lama rakibin wakhtiyarna way qaadanaysaa ee ha laga war sugo.
-
Inkastoo aanan jeclay inaan dadka khalkhal galiyo, waxaan maamulka wakaalada biyaha iyo Hay adaha ku shuqul leh biyahaba ka codsanayaa in ay sheybaadh u sameeyaan meelaha biyaha lagu keydiyo intaan dadka loo qeybin. Sheybaadhkaasi wuxuu ogaanaya kana daweeynayaa cudurada laga qaado biyaha marka lagu daro dawooyinka ay u baahanyihiin biyuhu.
Inkastoo aduunka dadbadani ay isku dayeen inay wakaalada biyaha iyo laydhka ka dhigaan wax aan gacanta ugu jirin dawlada, hadana waa laga maarmi waayey in dowladu dusha ka maamusha wakaaldahana Gudi lugu wareejiyo (commission) laakiin aan gacanta looga galin dad iyagu ka ganacsada oo faaiido ka raadiya. Hadalkaygani wuxuu daba taagan yahay, shir ka dhacay magaalada Hargeysa December 2002, oo ay wateen Hay adaha ku bahoobay (Somalia Aid Coordination Body). Shirkan waxa ka qeyb galay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo soo hordhigay Hay adahan sidii gacanta looga gelin lahaa wakaaldaha biyaha dad gaar ah oo iyagu maamusha faaiidana ka raadiya oo dawladuna ay dusha kala socoto. Hadaba sida la wada ogsaoon yahay dhibaatada ka dhacdey iyo sicir bararka ku timid wakaaldaihii biyaha ee wadamo badan oo arintaa isku qaaday, waxaan odhan lahaa wasiirka bal intaan dad gaara gacanta loo gelin xoolaha dadweynaha waa in si tafatiran looga fadhiistaa oo la ogaadaa waxa ka iman kara iyo sida looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka iman kara. Waxa ku guul dareystay arintan wadamo badan oo Koonfurta America (Souther American ) iyo Bariga Ashiya. Soomaalidu waxay tidhaah hubsiimo hal baa la siistaa ee aynu hubsano. Tii Berberi maxay ku dembeysayse? Warqadan aan intan yar ku qoray maaha xal ee waatusaaleyn kaliya xalkuna waa inuu ka yimaadaa dadk gunta wakaalada og, hay adaha sama falka ah iyo dawlada ku baraarugaysa markay biyo la aani soo food saarto caasimada. Dalkana way joogaan dad dhibaatada xalin karaa ee ha loo dhuun daloolaado.
Eng. C/risaaq M. Faarax
Top
Xuska Dhagaxtuurkii Hargeysa Iyo Burco |
Ma duugawdo taariikhda waxay shalay ku beegnayd sanad guuradii 21aad ee dhagax tuurkii Hargeysa taas oo ay qurux badan tahay inaynu u calaamadino maalinta ardayga Somaliland xusuustan qiirada xambaarsan ayaa muddadii 10-ka sano ahayd ee aynu qaranimadeedii luntay 60-kii la soo noqonay ayaan waxba laga soo qaadin, marka laga reebo taaladda ka samaysan dhagaxa (Marble) ama marmarka oo kooxdii (UFFO) ka taagtay maxkamadda gobolka Hargeysa horteeda halkii taariikhdan oo kale lagu dari lahaa manhajka waxbarashada waddanka, haddaba 20/02/03 oo kale dhagax tuur taariikhdu markay ahayd 20/02/1983 waxa ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco dhagax tuurkaas oo lagu taageerayo dhalinyaro la xidhxidhay oo isugu jiray macalimiin, dhakhaatiir, ganacsato, maalqabeeno iyo indheer garad, kuwaas oo samaystay urur samafal si ay u dayac tiraan cusbitaaladda iyo dugsiyada waqooyiga oo xaaladoodu liidatay.
Ka dib markii ay galeen shirar goos goos ah waxay go’aansadeen inay ka hirgaliyaan hawshaa nidaam iska wax u qabso ah.
Dhalinyaradaasi waxay ku wargaliyeen dawladda si ay gacan uga helaan, waxaa kale oo ay dawladda u sheegeen in ururkoodu ka madax banaan yahay siyaasadda. Muddo yar ka dib ciidanka dhabar jabinta ayaa ku eedeeyay galida iyo taageerida urur xaaraan ah, abaalkoodii waxa laga dhigay in la xidhxidho oo la garaaco.
Dhagax tuurku wuxuu soconayay afar maalmood isaga oo u gudbay magaaladda Burco waxa ku dhintay 23 arday dhawr boqol oo qof ayaa iyana lagu xidhxidhay Hargeysa iyo Burco 28/02/1983-kii waxa maxkamadda badbaadada ee gobolka waqooyi galbeed la soo taagay 28 dhalinyaradaasi ka mid ah.
Siday qoreen ururka u dooda xuquuqda aadamiga ee "Amnesty International" waxa uu liisku ka koobnaa 38 dhalinyaro ah, kuwaas oo 28 ka mid ah magacyadooda iyo xukunkoodu kala ahaa
1. Maxamed Sheekh Cali
2. Dr. Amiin
3. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi
4. Aadan Yuusuf Abokor
5. Cismaan Maygaag
6. Axmed Xuseen Caabi
7. C/Laahi Cali Yuusuf
8. Maxamed Sh. Xasan Taani
9. Colaad Cali
10. Xuseen Axmed Ducaale
11. Maxamed Cabdi Jiciir
12. Yuusuf Cabdi Khain
13. Axmed Maxamed Yuusuf (Jabaani)
14. Maxamed Baaruud Cali
15. Aadan X. Warsame Siciid
16. Cumar Ciise Cawaale
17. Maxamed Cali Ibraahim
18. Cali Cige Faarax
19. C/Raxmaan Masale
20. Dayib Dagal
21. Xuseen Barbaraawi
22. Maxamed X. Cabdi
23. Baashe Cabdi Yuusuf
24. Salaad Cali Yaasiin
25. C/Raxmaan Axmed
26. Maxamed Cali Faarax
27. Xasan Cali Gayeh
28. Yuusuf Cabdi Gaydh
29. Axmed Maxamed Madar
30. Maxamed Dagal Xirsi
31. Aadan Xuseen Rooble
Dhalinyaradaa 21-ka ah waxa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya saddex sanno xabsi daa’im waxaana la geeyay xabsi ku yaala Baydhabo oo la yidhaa "Labaatan jirow" intii hadhayna waa la sii daayay.
Maxkamadda xukuntay dhalinyaradaa waxa garsoore ka ahaa col: shariif shiikhanaa maye.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu ahaa Capt. C/laahi Calii markhaatiyaashu dhamaantood waxay ahaayeen xooga dalka iyo ciidanka nabad sugida ee "NSS" dhalinyaradaa waa loo diiday inay qabsadaan qareen u dooda.
Odayaasha reer wax badan ayay u doodeen in la sii daayo dhalinyaraddaa hase yeeshee dhag jalaq looma siin.
Weeraradii SNM cadhadii shicibka iyo aargoosigii faqashta taliskii siyaad barre waa loo adkaysan kari waayay dhibaatadiisii.
Ciidamada SNM iyaguna waxay bilaabeen weeraradoodii ku dhisnaa habka "guerilla fighting" ku dhufoo ka dhaqaaq iyaga oo bar tilmaameed ka dhiganaya meelaha ciidamada faqashtu joogaan.
Ciidamada dagaal yahanka SNM waxay galeen magaalada Hargeysa waxaanay dileen xoghayihii degmada Hargeysa iyo ganacsade mareexaan ah, sidoo kale waxay bilaabeen kicintii dadka magaalada Hargeysa waxa ka soo bixi jiray saddex wargeys sida UFFO, SNM, iyo Somali Uncensored oo lagu qori jiray gabayo heeso warar iyo hal ku dhegyo lagaga horjeedo taliskii siyaad bare.
1984-kii ciidamada SNM waxay qaadeen weeraro badan sida dagaalkii buuraha faqashta oo mar kasta ka aargoosata shicibka waxay maalin qudha ku dileen magaalada Burco 44 qof, magaaladda hargeysana laba cisho oo isku xiga ayay ku dileen 90 qof.
Dhamaadkii bishii October 1984-kii todoba arday oo da’doodu ka yartahay 18 sano ayaa lagu qabtay laguna xukumay dil, ardayda oo lagu eedeeyay inay ka qaybgaleen mudaaharaad lagaga soo horjeedo taliskii siyaad barre, waxa ka mid ahaa Maxamed Aw Cabdi "Faras-ka cad" Xasan Dubad, Alf Ibraahim Kooshin iyo Axmed.
Dilkaa lagu xukumay shacbiga reer waqooyiga xoog ayay uga damqadeen, dabadeed laba nin oo u dhashay gobolka oo kala ah
Cawil Aaden Cadami, iyo Diiq Muuse ayaa afduubay diyaarad ay leedahay Somali Airlines, waxaanay fadhiisiyeen Addis Ababa Itoobiya si ay ugu baraarujiyaan bulshada soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale sida taliska siyaad barre ugu talax tagay xuquuqda aadamiga iyo ta carruurta oo ka xasaasisan.
Inkastoo taliskii Siyaad cadaadis la saaray gudaha iyo dibadaba si aan loo dilin carruurtaa, haddana Cabdi Dhamac oo ka mid ahaa carruurtaa markiiba waa la dilay, laba kamid ah oo kala ah, Kanadi Iyo Bidhiidh, waxay ka baxsadeen jeelka Mandheera intii kalena waa la sii daayay markii ay soo dhex galeen Amnesty International iyo The Italian Acadamy of Sciences 31/03/1986 waxaa maxkamadda badbaadada qaranka la soo taagay koox arday ah oo lagu soo eedeeyay inay hub SNM ay ku adeegto ay soo galiyaan magaaladda Hargeysa kuwaas oo kala ahaa.
0. Axmed Cabdi Cumar -Dil
1. Siciid Daahir Jaamac -Dil
2. Xasan Cismaan Cumar- Dil
3. Cabdi Daahir Caynaashe -Dil
4. Safiya Xaashi Madar Xabsi daa’im
5. Fihiima Daahir Jaamac -Xabsi daa’im
6. Ilyaas Qase Faarax- Xabsi -daa’im
7. Cismaan Caydiid Cilmi -30sano
8. Umayma Aadan Cumar -15sano
9. Cumar Ismaaciil -5sano
10. Cali Rooble -5sano
Waxa dhici jirtay magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga in habeen kasta mid ama la toogan jiray taas oo noqotay wax caadi ah.
Dabayaaqadii bishii May Mujaahidiinta SNM waxay kala baxeen jeelka Hargeysa laba mujaahid oo dil ku xukunaa.
Mujaahid Sulub Cali iyo Mujaahid Yuusuf Maxamed kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Col: Axmed Aadan oo ahaa taliyihii ciidanka nabad sugida gobolka waqooyi galbeed. Ciidamada dagaalyahanka SNM waxay xerada wayn ee birjeex kala baxeen Col: C/laahi Askar sidoo waxay dagaal sida duufaafnka ah ku hilaaciyeen jeelka mandheera iyaga oo ka sii daayay boqolaal qof oo isugu jira caaqil, salaadiin, tjaar, ganacsato ah arday iyo macalimiin iyo aqoonyahano.
Laga bilaabo sanadihii sideetamaadkii taliskii Siyaad Barre gobolka waqooyiga baabuurta way la wareegi jireen, lacagta way dhici jireen, bakhaaradda raashinka iyagaa raran jiray oo dhici jiray ilaa ragga naagahoodii yidhaahdeen waa xalaal in ninkeedii ayaa noqday qudhmis. Waxa la dhiiri galiyay qabyaaladda waraaqaha rasmiga ah ee dawladda waxa lagu bilaabi jiray "Ragga magaaladda u dhashay.
Maxamed Axmed Maxamuud "Barre Adduunyo"
Hargeysa
Top
Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Runi waa rag kama rays", ama "Runtu ragga ma disho’e way ka nixisaa", waxaa sidaa maanta ka dhigan qolooyinka ururka saxaafadda Somaliland la baxay ee diidaya runta, waayo waxa samaynta ururkaa naakhuude ka ahayd xukuumadda Somaliland hadii ay tahay abaabulkii hore iyo hadii ay tahay kulankii lagaga dhawaaqayba, waxayna xaqiiqdu tahay inay xukuumaddu doonayso inay karaamada saxaafadda burburiso ama u samayso xeer ay ku cabudhiso madax banaanida saxaafadda, taana wuxuu maragfurkeedu yahay hadalkii wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale uu ka yidhi BBC-da ee ahaa, "Way naga go’an tahay inaanu saxaafadda u samayno xeer lagu dabro".
Sidoo kale waxa iyana markhaati labaad ah sidii degdegga ahayd ee uu wasiirku u aqoonsaday ururkaa, iyadoo la sheegay inuu wasiirku xeer ilaalinta ku yidhi urur kale ha diiwaangelin, taasina waxay muujinaysaa inuu wasiirka warfaafintu kala jeclaysanayo labada urur ee uu mid wax aasaasay ee SOLJA iyo ururka kale ee ay hore ugu dhawaaqeen koox suxufiyiin ah ee la yidhaahdo SSJW (Somaliland Society Joournalis and Writers). Sidaa darted, maadaama uu wasiirku saxaafaddii inta uu kala qaybiyey uu qayb la soo saftay, qaybna la dagaalamay halkii uu isu soo dhowayn lahaa, halkaana waxa ka muuqatay inay xukuumaddu saxaafadda madaxa banaan si weyn fara gelin ugu samaysay, waxaase loo baahan yahay inay xukuumaddu waajibkeeda garato oo ay ka dhexbaxdo saxaafadda iyo arimeheeda, waayo saxaafadda madaxa banaani toosin iyo tabantaabo mooyee tabco iyo waxyeelo uma baahna.
Ugu dambayn waxaan leeyahay hadii runta farta lagu fiiqo ama ay cidi xuquuqdooda ka hadasho ma aha inay runtu fanta noqoto oo laga gubto.
Maxamed Ibraahin Sabban iyo Mawliid Cabdi Cilmi, Hargeysa
Top
Kaartadii Lagu Dumiyay Daarihii Dhaadheeraa Ee Maraykanka Aabahaa Baa Lahaa! |
Tixraac cadadka 1943 ee 13/02/03 ee wargeyska Jamhuuriya ee waraysigii Xuseen Caydiid siiba weedha ahayd Kaartadii SNM ku qabsatay Somaliland aabahay baa lahaa.
Weedhaasi la yaab uma arag, waxaanse la yaabanahay saraakiihsii SNM-ta ee jawaabta uu yarkaasi istaahilo siin wayday, balse haddii ay igu soo baxsatay waxaan leeyahay Xuseen Caydiid horta halgankayagii waxa quudhsaday saaxiibka Cali Mahdi oo wakhtigii uu MENEESTO ahaan ay dalka qabsada is yidhaahdeen, isagoo ku beerlaxawsanaya hawiyaha siiba Aabahaa Caydiid uu si badheedh ah u yidhi halgankii Afweyne dalka lagaga xoreeyay waxa uu ka bilaabmay gobolada dhexe oo uu u jeedo meesha uu aabahaa ku dhashay, balse aabahaa taasi umay cuntamin oo kuma uu seexan ee dagaal cad ayuu ku qaaday Cali Mahdi, weedhii uu yidhi Cali Mahdina waata fari Togdheer idinla gashay ee waxyeeladii hore ee aad noo gaysateen noogu sii biirtay, maanta canuga hadal baradka ah ee Xuseen Caydiid isaga oo aynu heshiino, aynu isa saamaxno, si xunbaa laydiin galay, kolna Somaliland ma go’I karto, calaacal markii aad wax ku wayday ayaa quus ahaan adiga oo jooga ayuu ereygu kaga soo baxay oo ah kol hadday go’een aabahay eersaday oo kaartadii ay isku xoreeyeen Aabahaybaa lahaa waa eray xambaarsan umalka aan la luudo, adiguna Cali Mahdi halka ku wadhwadhay dheh, oo hadal wedkii galay dheh.
Xuseen Caydiidow Aabahaa maanta xabaal ayuu ku jiraa, shacbigayagu waanu u hiilinay, oo nin baan ka soo saarnay, waxaananu ilka uga gurnay Afweyne, isaga oo camrin oo libaax ahna hoygiisii ayaanu soo dhex fadhiisinay, markii uu xamar qabsadayna cajaladihii uu ku hadlay dib u doono iyo waxtarkii loo gaystay inta uu ka sheegay, waxaanse ku leeyahay aabahaa kaartooyinka waad ku yaraysay ee waxaanad ogayn inuu lahaa kaartadii lagu burburiyay labadii daarood ee dhaadheeraa ee miyaad ilawday, kaartooyinkaasi iyo kuwo kale ayaa ka socon kara haku soo meeraysan shacbiga Somaliland ee taariikhdoodu si cadceeda u cadahay isla markaasina ayna cidina dafiri karin, dhiigoodiina maanta qowmiyado badan ee reer koonfureed oo aad ka mid tihiin ay ku naaloonayaan.
Waxba ayaanu xeerkay I marin xoolana I siine, xaasha Lilaahiye nin libin ka xistiyay xumihii waa yaabe.
Maxamed Axmed Cabdi "Faxam".
Hargeysa
Top
Saxaafaddu Ma Geydo Af-Lagaado |
Saxaafadda xorta ihi waa shayga uu qofku ku cabiro dareenkiisa saxda ah, waana muraayada bulshadu ay ka daawato hadba wacyiga jira. Saxaafadu waa mid bulshada reer Somaliland ugu fadhida qiimo balaadhan waayo, waxa aynu ognahay sida hagarli’ida leh ee ay uga qayb qaadatay dib u dhiska iyo horumarka dalka, waana midka aynu bulsha waynta caalamka ugu bandhigno mawqifkeena gooni isu taaga. Masalan waxa ay ka mid tahay midhihii halgankii qadhaadhaa ee dhiigu ku daatay. Haddaba saxaafadda xorta ahi marba mid ay ashkhaasi sheegan karto ma aha mid wixii la doono lagu qori karo. Mana gaydo inta urur la samaysto wargeys kale lagu caayo. Taa waxa aan odhan karaa waa mid aqoon darro wayn ah waayo? Saxaafaddu waa tilmaame fara dadka in la dhawro xuquuqda qof ama qoomiyad.
Haddaba aan u daadego dulucda hadalkayga waxa ayaan darro wayna in joornaalka Jamhuuriya oo ka mida horyaalka saxaafadda Somaliland in maalintii khamiistii lagu qoray waxa ay ugu yeedheen warmurtiyeed, kaasoo si badheedha ugu gafay xeerka saxaafadda, si cadna ay ugu caayaan shakhsi qaran, isagoo ku sheegay jaahil aan saxaafadda aqoon oo isticmaalaya daydaynimo.
Haddalada taasi marna akhristayaasha may raali galin ee aad ayay uga xumaadeen, ha u waynaato qaybta dhanxiirka oo aad loo jecelaaye. Waa wax maskaxaha fayoobi aanay qaadan karayn.
Haddaba anigoo ka mid bulshawaynta reer Somaliland waxa aan Jamhuuriya leeyahay wax ha u dhimin qiimaha saxaafadda, waayo, waa xaaraan in qofna lagu xadgudbo oo loo adeegsado qalin aan laga fiirsan.
Si kastaba ha ahaatee Jamhuuriya waa in ay ilaashato sumcadda iyo karaamadda ay bulshada ku leedahay oo haka fiirsato qalinkan cayda aad moodo in loo carbiyay.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa hadalkayga saxaafaddu maaha mid laysku caayo cidina malaha hadday xukuumadda tahay iyo haddii kaleba ee waa indhihii bulshadda.
C/Rasaaq Maxamed Axmed
Hargeysa
Top
Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga |
Ganat: Ma idinkaa u ogolaaday taageerayaashiina in waxa ay doonaan ay sameeyaan taageerayaashiinu?
Mingistu: Kuwa na leh sidaa, iyaga muxuu ahaa wixii ay samayn jireen, maxayse tahay sababta anaga naoo hadal hayaa ee ay u muuqan waayeen qaladaadkii ay qolooyinkii kale galeen, waayo tusaale ahaan IHABA-du ma sharci bay u haysteen markii ay dadka hadhka galay qoraxda oo kulul meelahaa ku toogan jirtay, miyaase lay waydiiyey waxa ka dambeeyey ee ay talaabooyinkaa u qaadi jirtay.
Ganat: Laakiin idinku dawlad baad ahaydeen?
Mingistu: Waayo hadii aanu ahaynse, ta kale iyaga ka hor ma jirin dawlad iyo wax aan qalin ku duugay toona, iyaguna qalalaasaha iyo dhibaatada aniga laftayda ayey igaga bilaabeen oo ay muddo bilo ah igu wadeen, gaar ahaan markuu yimi janaraal Tafare ka dib ayey sheekadu sii fiday, waayo waxa la helay mid oo uu dhalay janaraal Tafare oo IHABA-da ka tirsan, kaa yar oo la odhan jiray Yayn’ishat Tafare anigu ilaa iyo yaraantiisii aqoon baan u lahaa, laakiin waxa jirtay inuu yidhi "Waxba haka biqina Mingistu, waayo waxa uu yidhi Itoobiya ha horumarto, taana haka baqin". Laakiin anigu xubnihii kale ee kacaanka taageersanaa ama dhergiga taageersanaa oo hadalkaa ka cadhooday ayaan dejiyey si aan dhibaatada u furdaamiyo, balse IHABA-du waxay bilaabeen inay dhexdayadii ka ugaadhsadaan. Waayo tusaale ahaan mid yar oo la odhan jiray Tamasgan oo aan anigu la yaabi jiray balaaqinimadiisa iyo kartidiisa, isla markaana golaha dhergiga u qaabilsanaa barabagaandada ayey maalintii dambe dileen. Sidoo kale waxay afaafka xafiiska dhergiga ku dileen mid kale oo gabyaa ah oo la odhan jiray Tamasgan, waxa kale oo ay isagan dileen mid yar oo la odhan jiray Naguse Nagaas, wuxuuna wiilkaa yari ahaa oo aad fiicnaantiisa la yaabaysay. Sidaa darteed IHABA-du aad bay noo soo dhexgaleen oo xataa wasiiradii baqdin awgeed way shaqo tegi kariwaayeen, cid shaqo tagtana waa la waayey.
Sidoo kale inta ay adkaatay tegistii magaalada baqdin daraadeed ayey dantu nagu khasabtay inaanu ra’iislayaashii xerada dhexdeeda keeno si ay timaha nooga xiireen, sidoo kale waxa nagu adkaatay inaanu magaalada u shaah doonano, taasina waxay keentay inaanu xerada dhexdeeda ka samaysano meelaha laga shaaheeyo, sidaa darteed xaaladda waqtigaa jirtay waxay ahayd mid adag oo ay nabadgelyadu xumaatay, taas darteedna waxaanu ku khasbanayn inaanu qof walba qori siino si uu ugu ilaashado gurigiisa ama gaadhigiisa, waayo cid walba gaadh lagama qaban karayn, maxaa yeelay maanu haysan ciidan badan, berigaana waxa la odhan karaa IHABA-du magaalada Adis-ababa inteeda badan way haysatay. Laakiin si aanu dhibaatada intaa le’eg uga baxno shicibka iyo anaguba guud ahaan talaabooyinkii la qaaday waxay ahaayeen kuwo aanu isku daynay inaanu IHABA-da iska celino, waayo isla xiligaa waxaanu maqalay, IHABA-da qudhooduna noo sheegeen inuu hogaamiyahoodii la odhan jiray Tasfaaye Dabasa magaalada Adis-ababa gudaheeda dhex-degan yahay, gaar ahaan hudheelka Filibis oo uu halkaa ka hogaaminayo kuwo hawl-galada dilalka ah fulinaya ee gacan-kudhiiglayaasha ah, dabadeedna waxaanu u dirnay askar, laakiin askartii markii ay hudheelkii hareereeyeen ayuu dabaqa sare ee hudheelka iska soo tuuray, sidaa ayuuna ku dhintay, dabadeedna dhimashadii hogaamiyaha IHABA-da tasfaaye Dabasa wax weyn baa iska bedelay xaaladdii magaalada Adis-ababa, waayo shicibku way ka nefiseen dhibaatadii iyo baqdintii weynayd. Laakiin su’aal aan iyada mar qudha la soo qaadi karin ayaa jirta, taasina waxay tahay IHABA-da kuwoodii xuduudaha soo jiidhay ee debedaha ka dagaalamayey iyo kuwoodii magaalada dhexdeeda dagaalka ka waday, gaar ahaan qolyaha marka magacyada la dilayo la siiyo hawl-galka dilka fulinayey inyar oo ay magaalada dhexdeeda ku sii daayeen mooyaane waxay taageerayaashooda xoogoodii geeyeen gobolka Asimba ee dhulka Tigraayga, taas oo ay doonayeen inay Itoobiya qalalaase geliyaan, isla markaana ay dawladdii jirtay xagga kale ugu rogaan, laakiin iswaydiintu waxay tahay dhalinyaradaasi markii ay halkaa tageen ka dib xagee bay ku dambeeyeen.
Dhalinyaradaasi si ay mawqifka IHABA-da u fuliyaan markii ay tageen gobolka Tigraay waxa jiray wax aanay fahamsanayn, waxaasi wuxuu ahaa iyaga oo u haystay inay kacaanka kobcinayaan oo ay shicibka Itoobiya aayahiisa u dagaalamayaan, waxayna xanbaarsanaayeen dareen qaranimo, hase yeeshee markii ay halkaa tageen waxa la kulmay jabhaddii shacbiyada (Ereteriya), kuwaas oo ahaa qolo aanay ajandahaba ugu jirin wax Itoobiya la yidhaahdo oo Qaranka itoobiyaba ka soo horjeeda, ka dibna waxay yidhaahdeen "Waar hayaay waa sidee waa maxay waxani", laakiin sidaa yidhaahdeen ayaa inta ciidamadii wayaanaha (Jabhadii Tigraay) lagu sii daayey ay gam ka siiyeen, waayo dhalinyaradaasi iyaga oo kumanaan ah oo jii-jiifa meelihii ay seexan jireen ayey ciidamo xoog leh oo aad loo soo diyaariyey habeen-badhkii inta ay soo dul-joogsadeen xasuuqeen, markaa miyey jirtaa cid arintaa soo hadal qaaday ama ka hadashay. Laakiin Males Zenawi marka uu iska dhigayo nin IHABA-da si daacadnimo ugu hadlaya ama ugu doodaya aad baan ula yaabaa, balse ninkii doona iyo cidii diidaaba maanta cidii caqli lihi caqligeeda ayey wax ku xukumaysaa, beritona in shicibka hortiisa dacwad loo soo taago waa mid aan hadhi doonin, tusaale ahaan shicibka gobolka Tigraay miyey sheekadaa hayaan, waayo hadii la waydiiyo IHABA-du gebigooduba miyey dhamaadeen way sheegayaan...
La soco cadadka dambe.
Top
C/Fataax M. Caydiid
Kluivert Oo Sheegay In Ay Taageerayaashu Geynayaan England
"Taageerayaasha Barcelona Waxay Igu Kelifayaan In Aan U Wareego Kooxaha England" - Patrick Kluivert
London (AFP) Xiddiga Kooxda Barcelona ahna weeraryahanka Dutch(Holland), Patrik Kluivert ayaa caddeeyay inuu jecel yahay inuu ka ciyaaro tartanka kooxaha Ingiriiska ee loo yaqaan (The English Premiership) isagoo ku sababeeyay inay taageerayaasha Enland kaga wanaagsan yihiin dhinaca kor u qaadida kooxahooda taageerayaasha Spanish-ka.
Weeraryahankan 26-jirka ah ayaa muujiyay inuu ka soo taagan yahay dhaqanka ay ku dhaqmaan taageerayaasha Spanish-ku kuwaasoo sida caadiga ay ka jeesta kooxdooda, haddii ay kooxda ku timaado guuldarro, halka ay niyadda ugu dhisi lahaayeen.
Kluivert waxa uu xaadir ahaa munaasibado badan oo ay Barcelona hoos ugu dhacday kaalinta 11aad ee kala horeynta kooxaha heerka koowaad ee tartanka Spanish-ka ka dib markii ay la kulantay sagaal ciyaarood guuldarooyin, inkastoo ay dhinaca kale samaysay rikoodh cusub oo ah tartanka kooxaha horyaalka Yurub, taas oo ay 11 ciyaarood oo xidhiidh ah ku guulaysteen oo ay ugu dambaysay ciyaartii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Inter Milan maalintii salaasadii ina dhaaftay.
"Halkan waxa aan ku dareemayaa fiicnaan, laakiin haddana ma garanaysid maalin maalmaha ka mid ah waan ka tagi doonaa" ayuu Kluivert u sheegay BBC-da.
"Si kastaba ha ahaatee, haddii ay jirto sabab kaliya oo aniga igu kalifaysa in aan u wareego dhinaca England, waxa ay noqonaysaa mid ka timid taageerayaasha" ayuu raaciyay, waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi "Halkan, haddii lagaaga badiyo 1-0, kuma raali galinayaan, ee intay dhabarka kuu jeediyaan ayay kugu farxayaan."
"Waxa aan ciyaaro kaga horimid kooxo reer England ah oo aan kula ciyaaray England gudaheeda, taageerayaashoodu aad ayay cajiib u yihiin oo waxa ay kooxdooda ku dhiirigaliyaan inay dib u soo kabtaan, laakiin hoos uma ridaan". Ayuu Kluivert ku daray.
Kluivert, waxa uu xusay in xilli ciyaareedkani ahaa mid adag, gaar ahaana tababarihii Luis Val Gaal oo isagu ahaa tababarihiisii markii ay Ajax ku guulaysatay tartanka horyaalka Yurub 1995-kii, oo laga eryay kooxda, ka dib markii uu heerkeeda ciyaareed aad u xumaaday tartanka Spanish-ka.
"Loolama dhaqmin sida loola dhaqmo tababarayaasha kale, waxaanu mudnaa si sidaa ka wanaagsan" ayuu yidhi Kluivert, waxaanu ku daray intaa oo uu yidhi "Shakhsi ahaan aniga aad bay iigu adkayd, sababtoo ah waxa aan aqoon u lahaa Van Gaal wakhti aad u dheer."
Kluivert, waxa uu sheegay in tababare Radomin Antic uu siiyay kooxda tababar ka khafiifsan kii hore ee uu baray, taas oo ka dhigtay inay guul soo hooyaan todobaadkii ina dhaafay.
Top
Arsenal Oo Ku Dur-Durisay Manchester City |
Manchester United oo daqiiqadii ugu dambaysay ku barbaraysay Bolton 1-1
Kooxda Arsenal ayaa mucjiso baday kooxda Manchester City, ka dib markii ay 5-1 kaga badisay iyadoo lagu ciyaarayay Manchester City gurigeeda Maine Road, taas oo ay kooxaha isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City labada la dareensiiyay xanuun la’aanta.
Kooxda "Blues" ama Buluugga ahi laga yaabaa in ay ku gubteen kulaylka ay Premeirship-ka ku hayso kooxda uu hogaanka u hayo Arsene Wenger, laakiin shayaadiinta cas cas "Red Devils" ee uu hogaamiyo Alex Ferguson ayaa bilaabay in ay mar labaad ku fashilmeen in ay u tartamaan horyaalka, taas oo ay kooxda Gunners shan dhibcood ka horeeyaan.
Tababaraha Manchester City ayaa qiray faraqa kooxdiisa iyo kooxda martida u ahayd ee Arsenal, waxaanu ku tilmaamay inuu yahay faraq aad u wayn oouu ugu yeedhay "A Million Light Years".
Tana waxay caddayn u tahay, sida foosha xun ee ay wax ugu dhaceen.
Run ahaantii kooxda gurigeeda ku ciyaaraysay jaanisyadeedu kamay caawin difaaca dhisan oo adag iyo khad dhexe oo firfircoon, laakiin kooxda horyaalka difaacanaysa ayaa ahaa qaar ay ciyaartoodu deg deg ahayd, aadna u khafiif ahayd oo lagu tilmaami karo mid xariir ah "Silk", waxaanay ahayd mid aad iyo aad heerkeedu u sareeyay. Isku xidhnaanta Thierry Henry, qaybiyaha Denis Bergkamp iyo khadka dhexe ee uu maamulayay Patrik Vierra, ayaa ahaa qaar aan marnaba la joojin karin, saddexdan ciyaartooy-ba waxay dhaliyeen goolal, halka ay Robert Pires iyo Sol Campbell ay iyaguna dhaliyeen goolal kale, taas oo ka dhigtay guuldaraddii ugu xumayd ee ay la kulanto Manchester City muddo wakhti badan ka soo wareegay.
Muddo 36 daqiiqadoo ah, ayay Arsenal ku keeneen afar gool, taas oo kuligood ay dhasheen qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana City ciyaarta ku furay kubad uu isagu ka soo shaqeeyay oo aan cidina ku cadaadin inuu la soo jeexo si farsamo sare ku jirtona ugu hubsaday shabaga ciyaartoyga Denis Bergkamp.
Arsenal, ayaa 8 daqiiqadood ka dib ciyaarta ku hogaamin gaadhay laba gool, balse Berkamp ayaa doorbiday inuu kubadda halkeeda ku hakiyo, halka uu u dhiibi kari lahaa Gilberto, iyo Henry oo dhinaca midig ka joogay Robert Pires ayaa isagu ka dhigay, ciyaarta laba gool oo ay ku hogaamiso kooxda iyadu habeenkani u ahaa mid aanay filaynin oo ay garoonka la yimaadeen ciyaar xumo ay wakhtigii horeba ku hafteen weerarka Arsenal.
Xili ciyaareedkii sanadkii hore ee ciyaaraha League-ga wadaniga ah, Martin Keown kubaddiisa dheer ee uu difaaca ku dul laadaa may ahayn mid khatar galinaysa kooxdooda, Laakiin halkan iyo imika Henry waxa kaliya oo uu u baahday inuu mar kaliya taabto oo uu kubbadda ku dejisto lugtiisa midig, ka dibna uu mar kaliya kaga laado goolka meel masaafo ahaa u jirta 20 yrd, oo uu ka galiyo goolka koonarka bidix, taas oo ahayd mid u quus goysay taageerayaashii Manchester City.
Goolka Afraad oo u dhashay si caadi ah una dhaliyay Sol Compbell, ka dib kubad koone ah oo uu soo laaday Henry uu maddaxa ku dhaliyay.
Man City waxa ku soo kordhay, dhaawac kale balse qaybtii hore ee ciyaartu waxay ku dhamaatay 4-0.
Sideed daqiiqadood ayaa ka soo wareegtay bilawgii qaybtii dambe ee ciyaarta, ka dib markii uu Vieirri kubad baas ah isweydaarsadeen Berkamp waxaanay kooxda Arsenal dhashatay goolkii shanaad oo u saxeexay Vieirri, balse Niclos Anelka ayaa kooxdiisii hore ka dhaliyay gool kaliya ee ay keentay Manchester City, goolkaas oo aanay ciyaartoyda Man City u dabaal degin, balse ay madaxa hoos u dhigeen iyagoo ka tiiraanyaysan foolxumadda ka raacday garoonka.
Bolton 1-1 Manchester United.
Dhinaca kale kooxda Manchester United ayaa daqiiqadii ugu dambaysay gool ay dhalisay ku gashay barbaro, goolkaas oo u dhaliyay Ole Gunnar Solskjaer taas oo ciyaartii ka dhigtay 1-1, Solskjaer, ayaa kubad uu soo karoosay David Beckam, madaxa ku dhaliyay daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta.
Ciyaarihii kale ee shalay waxay u dhaceen sidan.
Charlton 3-0 Aston Villa
Chelsea 1-2 Blackburn
Leeds 0-3 Newcastle
Sunderland 1-3 Middlesbrough
Everton 2-1 Southamptom
Top
Xidiga Romario Oo Cadeeyay Inuu Ka Tegayo Brazil |
Sao Paulo (AFP) Xiddiga reer Brazil ee 37 jirka ah ee ku guulaystay koobka adduunka Romario ayaa cadeeyay maalintii sabtidii ee shalay inuu dhabarka u jeedinayo dalkiisa Brazil, ka dib markii uu ka helay kontaraak koox aan la magacaabin, balse la sheegay inay tahay koox carbeed.
Xiddigan Romario ayaa u sheegay shalay warbaahinta dalkiisa oo yidhi "Way I tabi doonaan" isagoo la hadlaya taageerayaashii sida aadka u taageeri jiray ciyaartiisa. Ciyaartoygan sumcadda badan leh sidoo kalena muranka badan ee Romario oo wakhtiyadii dambe joogay una ciyaari jiray kooxda magaalada Rio de Janeiro ee la yidhaahdo Fluminense oo uu la joogay tan iyo bishii December ayaa cadeeyay inuu saxeexay kontaraak qiiimihiisu yahay 1.5 Million Dollar oo uu la saxeexday koox aan la garanayn, balse ay warbaahinta Brazil ku magacaabeen Al-Itixaad oo ka tirsan dalka Qatar.
Romario oo xili ciyaareedkiisan uu u ciyaarayay Fluminense uu aad u xumaa oo laba gool oo kaliya u dhaliyay, waxa uu wareegan uu u wareegay kooxdan carbeed noqonayaa, naadigii todobaad ee u ciyaaro Romario, waxaana ka mid ahaa kooxaha uu u soo ciyaaray kooxda Barcelona iyo PSV Eindhoven.
Romario oo ahaa xiddigii koobkii adduunka ee 1994-kii u qaaday Brazil koobka adduunka, waxa ay kooxdiisa uu hadda u ciyaaraa sheegeen in aanay ka horjoogsanayn inuu ka tago kooxda.
"Anagu ka hor istaagi mayno wadadiisa, laakiin waxa uu si cad u sheegay inuu kaliya ka tagi doono haddii ay faa’iido u noqoto tagistiisu kooxda.."
Sidaa waxa yidhi maareeyahay Fluminense, Marcelo Penha.
Top
|