Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 277 February 26, 2003

Shirkadda Gamuur Oo Qalab Ugu Deeqday Goobo Dan Guud Ah

Haatuf (Gabay)

Ururrada Bulshada Ee Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftay Warbixinta Iyo Khariidad Ay Hay’adda NOVIB Ku Soo Ban-Dhigtay Shirka Ambassador

KULMIYE: Kaambaynkii Xaamiga Ahaa Iyo Doorshadii Mushar oo doortay musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka

Koox Wasiiro Ah Oo Madasha Shirka Ururrada Bulshada Si Kedis Ah Ku Tegay Iyo Warbixino Laga Jeediyay

Afar Askari Oo Maraykan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Kuwait

Madaxweyne Sadaam Xuseen Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Inay Ciraaq Baabiiso Gantaalaheeda

Madaxweynaha Zimbabwe oo ugu baaqay Maraykanka in hubka laga dhigo

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Kuwaan Dooranaynow

Saxaafadda Iyo Doorkii Marxuum M. C. Shide Halkay Ku Dambaysay

Waxaan uga jeeday jihaadka weyn

Maamul taariikh ka tegay

IRMAANTA SUUGAANTA

Habar Iyo Habeenkeed(Gabay)

Dil-Dilaacii Ubixii Dhiigga Iyo Kacaankii Dhergiga

WAADIGA CIYAARAHA

Malaga Yaabaa Bergkamp (Ciyaartoyga Aan Ku Safrin Diyaaradaha) Inuu Badbaadiyo Rajada Arsenel?


Shirkadda Gamuur Oo Qalab Ugu Deeqday Goobo Dan Guud Ah

Hargeysa (Haatuf) Shirkadda wadaniga ah ee Gamuur Glass Factory oo soo saarta qalab kala duwan oo uu ka mid yahay taangiyada biyaha, lagu kaydiyo, ayaa maalintii shalay deeq qalab ah u fidisay goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xarunta agoomaha Hargeysa, Jeelka weyn, iyo cusbitaalka TB-da ee Hargeysa.

Deeqdan oo ahayd qalab ay shirkadu soo saarto uuna ka mid yahay taangiyada kaydiya, waxa ay shirkadu kaga qayb qaadanaysaa kaalmaynta goobaha danta guud ee ka dhaxeeya bulshada.

Munaasibadii deeqdan ay shirkadu ku gudoonsiisay deeqda goobahaa aynu soo sheeganay oo lagu qabtay xarunta shirkaddaasi waxa goob joog ka ahaa wasiirka cadaaladda ee Somaliland Axmed Xasan Cali, Agaasimaha guud ee wasaaradda warshadaha Cabdilaahi cabdi ciise (C/laahi Hargeysa) agaasimaha xarunta agoomaha Hargeysa Maxamed C/laahi Ismaaciil, mulkiilaha shirkadda Gamur Daahir Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer "Daahir Gamur" iyo marti sharaf kale oo badan wasiirka cadaalada oo munaasibadaa ka hadlay ayaa shirkadda Gamur uga mahad naqay deeqda ay u fidisay goobaha kala duwan oo ay ka jirtay baahi aad u weyn oo ay u qabeen qalabkaasi, wasiirka isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka codsaday maamulka shirkadda inay qayb ka qaataan taakulaynta dhismaha jeelkii carruurta ee Mija Caseeye oo lagu hawlan yahay dib u dhiskiisa.

Agaasimaha wasaaradda warshadaynta C/laahi Hargeysa oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa beeniyay borobagaandho dhawaan laga faafiyay qalabka ay shirkadu samayso isaga oo cadeeyay in qalabka ay shirkadu soo saartaa uu yahay mid la hubiyay tayadiisa iyo waxtarkiisaba, waxaanu ku tilmaamay dacaayadahaa kuwo ay faafiyaan dadka xun wax soo saarka shirkadaha wadaniga ah.

Mulkiilaha shirkada Gamur oo isna ka hadlay munaasibadaa ayaa ka waramay aasaaskii shirkadda iyo qalabka ay soo saarto.

Isaga oo sheegay inay haatan soo saaraan taangiyada biyaha lagu kaydiyo uuna qorshohoodu yahay inay soo saaraan qalab kale oo kala duwan.

Isaga ka hadlayay waxyaabaha laga sameeyo qalabkan waxa u sheegay inuu yahay mid si caalamiya u sharciyaysan, faa’iidooyin badana u leh wax soo saarka dalka.

Top


Haatuf (Gabay)

Cali Duul-Duul

Horyaalkii wargeysyadoo dhan, baad Haatufaw tahaye,
Hal kastaba aduunyada, adaa saaray heegada’e.
Sida hogosha roob oo, da’doo, lagu haraad gooyay.
Ama harada oo buuxsantoo ka hirqadeen maalku.
Oo haddimadii laga baxaad, warar ka haysaye.
Hal Jileec ma soo urursadiyo, hadalo ceebeede.
Kuwa horumaree dunida, baad hadaf la joogtaaye.
Hoobaan bislaataa tihiyo, haradii dooloode.
Hadhac iyo hir dooglaad tihiyo, sidigta heemaale.
Halasinki, Hong Kong Ilaa Copen iyo heegen.
Halkii aad jaleecadaba arlada kor, iyo hoosteeda.
Hadal iyo wixii xogo ahee, lagu habaynaayo.
Hooyo iyo aabaad tahoo, waana la hubay’e.
Hangoola xun is guratiyo, wax kale kuma hawaystaane.
Adigaa ka haajiray xumaan heerla joogaba’e.
Hilin wacan alaa kula damciyo, haybad saayidahe.
Habeen iyo dharaar uumiyuhu kuma hurayaane.
Iyadoo war heer sare sidaad ka hirqan doontaan’e.
Ha halayne gado Haatuf, baan cidi ka haagayn’e.

Top


Ururrada Bulshada Ee Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftay Warbixinta Iyo Khariidad Ay Hay’adda NOVIB Ku Soo Ban-Dhigtay Shirka Ambassador

Hargeysa (Haatuf) Kooxaha ururada Bulshada ee ka qayb galaya shirka ururada bulshada ee Somaliland iyo Soomaaliya uga socda Huteelka Ambassador ayaa gaashaanka ku dhuftay daraasad iyo warbixin lagu soo bandhigay shirkaa oo ay soo saartay hay’adda NOVIB.

Shir jaraa’id oo ay guddi u hadashay ururada bulshada Somaliland shalay ku qabteen huteelka Ambassador ee shirku ka socdo, waxay sheegeen inay dood adag ka qabaan khariidada (Map-ka) ay soo saartay hay’adda NOVIB iyo warbixin loo qoray dadka deeqaha bixiya, taasoo ay sheegeen inay doodii ay ka qabeen u gudbiyeen cidii ay khusaysay.

Garyaqaan Axmed Cali Kaahin oo akhriyay qoraal ay guddidaasi soo saareen wuxuuna u qornaa sidan:

"Ururada bulshada Somaliland markii ay arkeen khariidada ay samaysay NOVIB inay tahay mid aan ku salaysnayn waaqica maanta jira, waayo waxa ka soo dhex baxay 9 gobol oo loo qaybiyay Soomaaliya, iyadoo Somaliland lagu daray goboladaa.

Markaa haddaanu nahay ururada bulshada Somaliland marka hore kumaanu jirin, qaybna kamaanu lahayn samaynta khariidadaa, iyo warxbixintaa, mana jirto cid laga tashaday oo Somaliland ahi, isla markaana waxaanu go’aansanay in ururada bulshada ee Somaliland loo sameeyo khariidad ama sahamin u gaar ah oo shaqaalaheedana laga xusho iyaga.

Waxaa kale oo aanu ka codsanaynaa bulshada caalamka inay xushaan aqoonyahanka Somaliland iyo dadka mashaariicda fuliya ee xog-ogaalka u ah si ay sahamintaa u sameeyaan iyaga oo kaashanaya wasaaradaha Somaliland iyo ururada bulshada.

Waxa kale oo aan ka codsanaynaa beesha caalamka in la sameeyo sidii markii horeba jirtay ee ahayd in la xoojiyo deegaamada nabadu ka jirto, oo la siiyo kaalmo, si ay tusaale iyo dhiir galin ugu noqoto meelaha aanay nabadu ka jirin, waxaanu xusuusinaynaa beesha caalamka inay horumarinta bulshada ay aad u kala duwan yihiin waaqica ka jira halkan ka jira iyo meelo kale."

Waxa kale oo ay ururada bulshada Somaliland inay baaqan soo saareen in ka badan 26 urur oo ka wakiil ah ururada bulshada ee Somaliland.

Top


KULMIYE: Kaambaynkii Xaamiga Ahaa Iyo Doorshadii Mushar oo doortay musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa shalay markii u horaysay si rasmi ah u doortay labada musharax ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, ka dib markii uu golaha dhexe ee xisbigaasi shir muddo laba maalmood ah socday ku yeesheen hoolka shirarka ee xarunta shaqaalaha magaalada Hargeysa, wuxuuna ururkaasi musharaxa Madaxweynaha u doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda ah gudoomiyaha xisbiga, halka ay musharaxa Madaxweynaha u doorteen C/raxmaan Aw-Cali Faarax oo hore u ahaa gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee ururkii ASAD, ka dibna dhowaan isaga oo hogaaminaya qayb ka mid ah ururka ASAD ku biiray xisbiga KULMIYE.

Ma jirin cid kale oo Axmed-Siilaanyo kula tartantay musharaxnimada Madaxweynaha, sidaa darteed cod aan loo kala hadhin ayaa lagu ogolaaday musharaxnimadiisa, laakiin musharaxnimada jagada Madaxweyne-kuxigeenka waxa xisbiga KULMIYE dhexdiisa isaga soo sharaxay ilaa 7 xubnood, waxaase ugu dambayntii meesha ku soo hadhay 4 xubnood oo keliya, taas oo ay saddexda xubnood ee kale siyaalo kala duwan meesha uga baxeen.

Xubnaha xisbiga KULMIYE ee isu soo sharaxay jagada Madaxweyne-kuxigeenka waxay guud ahaan kala ahaayeen: Cabdi Xasan Buuni, C/raxmaan Aw-Cali Faarax, Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, Dr. Maxamed Xaddi Axmed, Cabdi Maxamed Jaamac (Gaagaale) iyo nin la yidhaahdo Dacar, laakiin Cabdi Maxamed Jaamac (Gaagaale) ayaan isagu madashii shalay ka soo xaadirin, isaga oo doraad ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimadii Madaxweyne-kuxigeenka ee xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa kale oo uu sheegay inay isaga iyo beeshiisuba kalsoonidii kala noqdeen xisbiga KULMIYE, sidoo kale nin kale oo aan madashii shalay lagu soo qaadin oo ah ninka la yidhaahdo Mudane Aare ayaa isna sheegay inuu ka tanaasulay musharaxnimada Madaxweyne-kuxigeenka oo uu uga sharaxnaa xisbiga KULMIYE, isla markaana uu dib uga noqday xisbigaa, isaga oo markii hore ka mid ahaa xubnihii dhinaca ASAD kaga soo biiray xisbiga KULMIYE. 

Shirka golaha dhexe ee KULMIYE waxa uu qabsoomay maalin ka dib markii ay ku soo biireen qayb ka mid ah ururka ASAD oo uu hogaaminayey gudoomiye-kuxigeenkii ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax, sidaa darteed xubnaha shirka ka qayb galay waxay isugu jireen xubnaha xisbiga KULMIYE hore uga mid ahaa oo ahaa tirada badan (Aqlabiyad) iyo xubnaha cusub ee ururka ASAD iyo weliba xubno kale oo hore uga tirsanaa ururo kale, laakiin ku soo biiray KULMIYE, iyadoo marka laga reebo C/raxmaan Aw-Cali ay musharaxiinta intooda kale ahaa raggii hore ugu tirsanaa xisbiga, laakiin ilaa salaaddii hore markii ay dadka shirka ka qayb galay ku hoyden kaamboolka xarunta shaqaalaha waxa si weyn loo arkayey xarakaad iyo loobin xoog leh oo la xidhiidha kala doorashada xubnaha u sharaxan Madaxweyne-kuxigeenka, taas oo ay taageerayaasha nimanka sharaxani u xusul-duubnaayeen sidii ay musharaxooda ugu heli lahaayeen codad uu kaga baxo jaran-jarada, sidaa darteed waxa batay faqa iyo turbaturbaynta, taas oo ay ragga loobinka wadaa had-ba qof dhinac u duduucayeen, waxayna u muuqatay in ka hor intii aan lagu xeroon hoolka shirka aad loo kala shaqaystay, taasina ay meel hoose dhigtay rag saacado ka hor isku tirinayey inay haystaan sed-weyn, runtiina waxay madashaasi ahayd madal diirran oo uu kaambaynkeeduna xaami yahay.

Goor ay barqo kulul tahay ayaa ergooyinkii shirka ka qayb gelayey looga yeedhay hoolka dusha ka dedan ee uu shirku ka socday, laakiin markii ay ergooyinka iyo martisharaftii kaleba xeroodeen waxa mar kale faq debedda ula booday raggii sharaxnaa iyo shirgudoonkii shirka, waxayna hal cabaar gorodda is-geliyeen banaan ay cad-ceeddu kaga soo dhacayso dhinaca barig, balse waxay isyidhaahdeen-ba waxay cabaar ka dib ku soo laabteen madashii shirka, waxaana la bilaabay hawshii doorashada, hase yeeshee intii aan la gelin hawsha doorashada xubnaha shirgudoonka iyo xubnaha guddiga qabanqaabada ayaa weedho koob-kooban oo ay tafaasiil kaga bixinayaan ajandaha meesha yaal iyo sida hawsha loo maamulayo shirka ku aftaxay, waxaana xubnaha halkaa ka hadlay ka mid ahaa gudoomiyaha xisbiga Axmed-Siilaanyo, isaga oo yidhi "Xubnaha golaha dhexe ee halkan fadhiya waxay u qaybsamaan saddex qaybood oo kala ah, xubnihii hore e xisbiga, qayb kale oo ay ka mid ahaayeen ururkii SAHAN la odhan jiray oo xisbiga ku soo biiray iyo qayb ka mid ah ururkii ASAD oo halkan ku soo biiray iyo xubnihii sharcigu awoodda noo siiyey inaanu ku soo darno."

Ninka la yidhaahdo Dacar ayaa markii ay guddiga qabanqaabada shirka oo uu gudoomiye ka ahaa C/casiis Samaale xaadiriyeen xubnaha musharaxiinta Madaxweyne-kuxigeenka farta taagay, wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimadii, laakiin Dacar isaga oo tafaasiil ka bixinayaa sababta uu uga tanaasulay musharaxnimadiisa waxa uu yidhi "Ka dib markii aan arkay mudanayaasha Madaxweyne-kuxigeenka doonaya oo aad u badan waxaan go’aansaday inaan tanaasulo". Hase yeeshee markii uu Dacar meesha ka baxay waxa isku soo hadhay afar xubnood oo kala ah Cabdi Xasan Buuni, C/raxmaan Aw-Cali, Maxamed-Rashiid Sh. Xasan iyo Dr. Xaddi, laakiin intii aan la gudagelin doorashada waxa madasha laga akhriyey go’aan ka soo baxay maxkamadda sare ee distooriga ah, wuxuuna go’aankaasi sheegayey inaanu tartanka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka isu soo taagi karin qof sita baasaboor shisheeye ah, wuxuuna qaraarkaasi saameeyey laba ka mid ah raggii u sharaxnaa jagada Madaxweyne-kuxigeenka, waxayna labadaa nin kala ahaayeen Cabdi Xasan Buuni iyo Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, laakiin guddiga qabanqaabada shirka ayaa sheegay inaanay iyagu shardiga caynkaas cidna kaga horjoogsanayn inuu doorashada ka qayb galo, sidii bayna afartii nin-ba kaga wada qayb galeen doorashadii.

"Siilaanyoba waa sitaa baasaboor ajnebi ah"ayaa meel shirka dhexdiisa ah si xan ah loogaga dhawaaqay, laakiin Axmed-Siilaanyo wuu dhawaaqa caynkaas ah, ka dibna jawaab degdeg ah ayuu ka bixiyey, wuxuuna yidhi "Anigu ma haysto baasaboor ajnebi ahi, laakiin waxaan haystaa baasaboor qaxootinimo, qofkii doonaana wuu arki karaa baasaboorkayga."

Intii aan la bilaabin cod-qaadista waxa afarta nin ee Madaxweyne-kuxigeenka u sharaxan mid-kiiba loo ogolaaday muddo 5 daqiiqo ah inuu cod-baahiyaha qaato, kuna tiraabo weedhaha uu lagama maarmaanka u arko, taas oo uu nin waliba intii uu gaadho uu weedho loobin ah uga faa’iidaysta, sidaa darteed Cabdi Xasan Buuni ayaa ugu horayn loo yeedhay, wuxuuna yidhi, "Waxa halkan laga sheegay inaan baasaboor ajnebi ah sito waa run taasi oo waan haystaa, laakiin aniga oo sharcigana wax ka aqaan waxaan qabaa inaanay waxba ka jirin qoddobkaa, waxaana jira qoddoba kale oo burinaya, balse hadii ay aniga cidi I dacwaynayso waxa ku shuqulo hadhow maxkamadda distooriga ah, waxaana diyaar u ahay inaan is-difaaco oo aan gar ku helo inaan ahay muwaadin Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdi Xasan Buuni, waxaana ahay muwaadin reer Somaliland ah oo u qalma jagadan, isla markaana ma jirto cid iga dafiri karaysa wixii aan xaq u leeyahay, taageerayaashaydana waxaan ka codsanayaa inaanay taasi wax raad ah ku yeelan."

Maxamed-Rashiid Sh. Xasan ayaa isna makarafonka loo dhiibay, wuxuuna yidhi "Taageerayaasha waxaan leeyahay ta baasaboorka ajnebiga ah waxba ha isku mashquulinina, waayo waxaan ka mid ah dadka debedda jooga ee ololaha ugu jira aqoonsiga Somaliland, isla markaana qaynuunkan waanu haysanaa qareenadii difaaci laaha iyo shuruucdii sixi lahayd, waana arin saamaynayn doorashada halkan ka dhici doonta, laakiin anigu waxaan ahay Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, waxaana ahay nin aqoon leh oo aqoontaa ugu adeegi doono ummadiisa hadii aad I doorataan, markaa anigu cidna lama fiqin, balse hadii ay idinla noqoto inuu Maxamed-Rashiid yahay ninkii aad jagadan ku aamini lahayd waraaqda ku qor."

C/raxmaan Aw-Cali ayaa isna makarafoonka qaatay, wuxuuna yidhi "Mar baan is idhi aad tidhaahdid waan ka noqday musharaxnimadii oo isla sharaxi maayo niman jinsiyad kale wata, laakiin aniga oo iyagana ixtiraamaya, sharciyadda dalkana ay tahay inaan ixtiraamo, waayo anaguba waanu qaadan lahayn baasabooro ajnebi ah, laakiin maanu doonan, hadana waxaan qaderiyey tacabkiina, anigu hadda isma sheeg-sheegi maayo, hadiisa xilka aan u sharaxanahay aan ku soo baxo waxaan ku ballanqaadayaa inaanu ummadayda iyo dalkaygaba iyo diintaydaba ugu adeego si daacad ah, markaa gacantiina ku hubsada halkii aad is tidhaahdaan danta dalka iyo danta ummadda ayaa ku jirta
DR. Xaddi ayaa isna markiisa makarafoonka qaatay, wuxuuna yidhi "Cusbataal kasta oo wadanka ah iyo goob kasta oo caafimaad waan wada maray, inta badana waan dhisay, cusbataalka Hargeysa ninka iyadoo lagu dhiciwaayey ka bilaabay baan ahay iskaa wax u qabso, waxaan ahay ninkii cusbataalka hoostiisa UFO ku sameeyey, markaa waxaan leeyahay waar aabalkaygii ayaan rabaa."

Hadaladaa koob-kooban ka dib waxa la guda-galay hawshii doorashada, iyadoo loogu horaysiiyey doorashada musharaxa Madaxweynaha, laakiin Axmed-Siilaanyo oo keliye ayaa isu soo taagay jagadaa, sidaa darteed cod loo dhan yahay ayaa gacanta loogu taagay, hase yeeshee afarta nin ee u sharaxnaa waxa loo qaaday cod-qarsoodi ah, taas oo dadka loo qaybiyey waraaqo yaryar oo la yidhi "Qof walowba ninka aad doonayso magaciisa ku qor", ka dibna markii ay dadkii codeeyeen ayaa la tiriyey codadkii, iyadoo ay dadkii codeeyey tiradoodu ahayd 96 qof. Hase yeeshee C/raxmaan Aw-Cali ayaa helay 129 cod, halka uu Cabdi Xasan Buuni helay 52 cod, sidoo kale Maxamed-Rashiid waxa uu helay 9 cod, halka uu Dr. Xaddi hal cod ka waayey dadkii codaynayey.

Cabdi Xasan Buuni oo la sheegay inuu musharaxnimadiisa aad uga soo ololeeyey intii aan madasha la iman, isla markaana ka mid ahaa xubnaha aadka loo hadal-hayey ee looga baqayey inuu musharaxnimada ku soo baxo ayaa markii codaynta la bilaabayey codsaday in codaynta laga dhigo gacan-taag, laakiin taa lagama yeelin, taasina waxay keentay inuu markii dambe dhaliilo qaabka ay doorashadu u dhacday isaga oo sheegay inay ahayd in codaynta gacan-taag laga dhigo, isla markaana intii ay codayntu socotay iyo intii loo kaankaansanayeyba Cabdi Xasan Buuni waxa uu u muuqday nin uu dareenkiisa culays saaran yahay, sidoo kalena xarakaadkiisa iyo kacaa-fadhiisigiisu aad ayuu u badnaa, iyadoo keligii kursi gooni ah fadhiyey, halka ay saddexda nin ee kale hal miis wada fadhiyeen. Hase yeeshee xubnihii kale wax hadal ah ma odhan.

Ugu dambayn markii natiijada doorashada lagu dhawaaqay waxa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee golaha wakiilada, mudane C/qaadir X. Ismaacil Jirde, wuxuuna halkaa ka jeediyey hadal kooban oo uu kaga waramayo sida ay doorashadu u dhacday, isaga oo taa ka hadlayana wuxuu yidhi "Doorashadii halkan ka dhacday waxay ku dhacday hab dimoqraadi ah, waana guul u soo hoyatay xisbiga KULMIYE, taana dadka waanu gaadhsiinaynaa". 

Top


Koox Wasiiro Ah Oo Madasha Shirka Ururrada Bulshada Si Kedis Ah Ku Tegay Iyo Warbixino Laga Jeediyay

Hargeysa (Haatuf) Shir Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland/Soomaaliya ee ka socda Hotel-ka Ambassador ee magaaladda Hargeysa ayaa shalay galay maalintii afraad.

Waxaana shalay shirka soo gaadhay qaar ka mid ah hay’adaha deeqda bixiya ee caalamiga ah iyo kooxo wasiiro ah ka tirsan xukuumadda Somaliland. Kooxda wasiirada ah oo uu hogaaminayay wasiirka qorshaynta qaranka Axmed X. Daahir oo ay weheliyaan wasiirka horumarinta deegaanka Maxamed Muuse Cawaale, Ganacsiga Rashiid X. C/laahi, Dib u Dejinta C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo wasiiru dawlaha arrimaha dibada Qaasim Sheekh, hase yeeshee intii aanay dhinaca dawladda Somaliland iyo wasiirada ka socday ka hadlin madasha shirka waxa khudbad kooban u jeediyay ka qaybgalayaasha haweenay ka socota hay’adda "NOVIB" ee qaban qaabisay shirka haweenayda oo magaceeda la yidhaahdo Dorothe Appel waxay iyadoo Af-Soomaali adag ku hadlaysa tidhii "Waxaan u mahad celinayaa dawladda Somaliland sida ay noo soo dhawaysay, waxaan kaloo aan u mahad celinayaa guddida qaban qaabada". Intaa ka dibna waxay u baydhay luqada Ingiriiska, waxayna sheegtay inay ku soo dhawaynayso shirka wasiiradda ka socda xukuumadda Somaliland, kuwa ka socda hay’adda qaramada midoobay, iyo wakiilada ururada bulshada, isla markaana waxay xustay inay ka cudur daaranayaan wakiiladda qaramada midoobay ka socda iyo bulshada caalamkaba dib u dhaca ku yimid shirka, laakiin ay ku faraxsanyihiin sida looga soo qaybgalay kulankaa, oo shalay galay maalintii afraad. Iyadoo ay ka soo qaybgaleen dad ka kala yimid ururada bulshada ka wakiil ah NGO-yada ururada bulshada ee qaybaha kala duwan, laakiin ay jiraan qaar aan halkan ka soo qayb galain oo ka mid ah bulshada rayidka ah, kaasoo ay sheegtay inay u saamixi waayeen arrimo dhaqaale iyo duruufo kale.

"Waxaynu dhamaanteen isugu nimid inaynu ka doodno arrimaha ururada bulshada waxyaabaha ay qaybteen iyo kaalinta ay ku leeyihiin ama doorka ay ka qaadan karaan dib dhiska dalka. Su’aalahaas oo dhami way ku cusubyihiin ururada bulshada ee soo baxay, waxaa kaloo ay sheegtay in loo baahanyahay in kulanka lagaga doodo laba daraasadood oo ay samaysay hay’adda "NOVIB" oo furitaankii shirka loo qaybiyay ka qayb galayaasha. Kuwaas oo ahaa daraasad ku saabsan (Mapping) oo ah in la qeexo ama la hubiyo ururada rayidka ah ee jira, iyadoo daraasadu tahay tii ugu horeysay ee la sameeyo, isla markaana ay falanqeeyeen dhamaan ka qaybgalayaashu, iyadoo waxyaabo badan lagu soo kordhiyay markii la falanqeeyay, taasina ay muujisay sida loo danaynayo daraasadda cusub. Iyadoo muhiim ay tahay inay ururada bulshada kaalintoodu muuqato waqtigan.

Daraasadda labaad ee shirka lagu soo bandhigay waxay ahayd mid ku saabsan deeq bixiyayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana waxa muuqatay inaanay deeq bixiyayaashu u hagar baxsanayn kaalmada horumarka Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin waxay sheegtay inaanay ku wada raacsanayn, balse ay tixgalinteeda leedahay sidaa awgeed maalmaha ka hadhay shirka waxa ay deeq bixiyayaasha, beesha caalamka iyo bulshada rayidka ahi isla qaadaa dhigi doonaan sidii laysu fahmi lahaa.

Mr. Dorother Appel waxa ay sheegtay inaanay hay’adda "NOVIB" ahayn mid awood ka fulisa, laakiin ay doonayso iskaashi iyo wada shaqayn ka dhaxaysa ururada bulshada Somaliland iyo Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha, iyadoo dawladda Somaliland uga mahad celisay shirka iyo siday gacan uga gaysatay waxay tidhi "Dawladda Somaliland waxaan u aqoonsaday inay culayska lahayd in shirkan lagu qabto halkan, iyadoo lagu jiro diyaargarowgii doorashooyinka, dhamaan ka qayb galayaasha shirkanina way taageersanyihiin oo qirsanyihiin nabad galyada guulaha ay ka gaadhay Somaliland."

Mila oo ku hadlaysay magaca "International Community" guddida caalamiga ah ee kaalmada midowga Yurub, waxayna sheegtay inuu kulankani yahay kii ugu balaadhnaa ee ay yeeshaan ururada bulshada soomaalidu, isla markaana waxay sheegtay in sanadkii 2000 ay dalalka deeqda bixiyaa u soo jeesteen inay dareenkooda tusaan dhinaca ururada bulshada. Waxay intaa raacisay inay ururadu door wayn ku leeyihiin arrimaha nabad gelyada ee ahmiyada la siinayo si taa loo ogaadana waa sababta keentay in daraasadan la sameeyo, iyadoo arrinta uu mudan ee midowga yurub tixgalinta siiyay ay tahay xaga bulshada rayidka ah, oo ku salaysan heshiiyo hore loo gaadhay oo uu ka mid yahay heshiiskii "Contonou" ee sanadkii 2000, iyadoo tixgalinta la siinayo macaawimada la bixiyay" in laga yareeyo faqriga isla markaana tixgalinta waxa la siinayaa cida ay khusayso macaawimadaa la sheegayo. Iyadoo sheegtay in sanadkii hore Hargeysa lagu qabtay shir lagaga hadlayo arrimhaa oo ay ka soo baxday baaq loogu yeedhay baaqii Hargeysa.

Iyadoo ay jireen waxyaabaha shirkaa hore ee Hargeysa lagaga hadlay arrinta "Maping" khariirada, balse ay jireen shirar hore oo la qabtay qaar kalena la qaban doono oo ay EU-duna arrinta gacan siin doonto oo ay ka qayb qaadan doonaan kooxo dhinacyo badan leh oo aan dawli ahayn oo ee ka iman doona dhamaan dhinacyada bulshada, isla markaana ay midowga Yurub EU-du ay gacan siin doonaan, wixii daraasadda ka soo baxayna ay u soo jeesanayaan daraasadda ay NOVIB samaysay isla markaana ay gacan siin doonaan barashada madaniga ah ee kooxaha shaqeeya, sida tababarka weriyayaasha, iyadoo aanu mustaqbalka tixgalin doono dhinacyda kale ee aad u baahan tihin in gacan la idinka siiyo, isla markaana ay maanta tixgalinta siinayaan bulshada rayidka ah iyo daraasadahan la sameeyay.

Dhinaca kalena wasiirka qorshaynta Somaliland Axmed X. Daahir ayaa khudbad kooban oo shirka ka akhriyay kaga waramay Somaliland iyo sida ay u dhisantay ee ay nabada iyo dawladnimadu hoosta uga soo bilaabmeen isla markaana wuxuu wasiirku sheegay inay taasina keentay inay ururada bulshada ee Somaliland yihiin kuwo ka dhashay bulshada oo qaab dhismeedkooda la mariyo nidaamka sharci ee dawladnimo. Sidaa daraadeedna ay ururada bulshada ee Somaliland ka qayb qaateen dib u dhiska dalkooda, iyadoo u xusay in dalaayada ugu horeysay ee ururada yeeshaan la sameeyay 1996-kii, sidaa awgeed ay ururada Somaliland yihiin kuwo u bisil inay gutaan waajibaadkooda iyagoo raacaya xeerarkooda ku salaysan dastuurka qaranka iyo xeerar kale ee u yaala dalka, isla markaana taageeray nidaamka bulshada hoosta ka dhismaysa, maadaama ay qaadatay habka dimuqraadiyadiga.

Wasiirku wuxuu sheegay inay Somaliland hoosta ka soo dhisantay oo ay ka jirto nabad galyo taama iyo maamul dawladeed oo ay xiligana galayso nidaamka xisbiyada dimuqraadiga ah, taasuna suurta galisay shirkan in Somaliland (halkan) lagu qabto.

Top


Afar Askari Oo Maraykan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Kuwait

Kuwait (W.Wararka) - Afar askari oo Maraykan ah ayaa ku dhintay ugu yaraan kadib markii ay diyaarad nooca Helicopter ah oo ay la socdeen ku burburtay maalintii shalay saxaaraha Kuwait oo ay ku tabobaranayeen.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Kuwait deggan diyaaradda oo nooceedu yahay D.60, waxay ku dhacday saldhig ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin meel 50km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Kuwait.

Afarta askarina waxay dhinteen iyagoo ku jiray tabobar habeenimo, iyagoo ahaa intii saarnayd diyaaradda guudkeeda.

Taliska ciidamada Maraykanku wuu is hortaagay in la faafiyo magacyada afartaa askari, laakiin waxa socda baadhitaan ku saabsan sababta ay diyaaradaasi u dhacday oo aan ilaa iyo hadda waxba laga ogayn.

Dalka Kuwait waxa deggan boqaal kun oo ciidamada Maraykanka ah, taas oo qayb ka ah ciidamada uu Maraykanku kusoo ururinayo gobolkaasi, isagoo u diyaargaroobaya weerar uu ku qaado Ciraaq.

Top


Madaxweyne Sadaam Xuseen Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Inay Ciraaq Baabiiso Gantaalaheeda

Baghdad (W.Wararka) - Madaxweynaha dalka Ciraaq, Sadaam Xuseen ayaa daboolka ka qaaday markii ugu horaysay ee ay waraystaan saxaafadda Maraykanku muddo toban sannadood ku dhow inaanay dawladdiisu marnaba aqbalaynin dalabka Q. Midoobay ee ah inay Ciraaq burburiso gantaalaha iyo sawaariikhdeeda loo yaqaano Al-Sumuud II oo ah nooca gantaalaha ridada dhexe.

Madaxweyne Sadaam Xuseen waxa uu sidan ku sheegay waraysi uu la yeeshay Telefishanka CBS ee Maraykanka, isagoo intaa ku daray in Ciraaq aanay haysanin gantaalo ay ridadoodu dhaafsan tahay inta ay qarirtay Q. Midoobay, waxa kale oo uu sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la yeesho Maraykanka, balse wuxuu shardi ka dhigay inuu waxa uu doono uu yidhaahdo, isagana wixii la doono lagu yidhaahdo.
Hadalkan Sadaam Xuseen waxa uu soo baxay kadib markii maalintii Sabtidii ay guddida hub-kadhigista Ciraaq ku baaqeen in la burburiyo gantaalaha Al-Samuud oo ay ku tilmaameen inay khilaafsan yihiin xuduuda ay Q. Midoobay u cayintay inaanay gantaaluhu dhaafin.

Is-maandhaafkan cusubi waxa uu soo baxay waqti ay Q. Midoobay Golihiisa Ammaanku ay isku khilaafsan yihiin waxa laga yeelayo dalka Ciraaq, iyadoo Dawladda Maraykanku ay dedaal ugu jirto in loo fasaxo weerar ay ku qaado Ciraaq, balse dawladaha taa kasoo horjeedaa waxay ku baaqayaan in waqti dheeraad ah la siiyo hawlaha ay wadaan baadhayaasha hubku inta aan go’aan laga gaadhin. 

Qorshahaas oo ay soo hordhigeen G/Ammaanka Maraykanka iyo Ingiriiska oo taageero ka helaya Dawladda Spain, iyagoo ku eedeeyay Ciraaq inay hortaagan tahay baabi’inta hubkeeda iyo qaraarada caalamiga ah ee arrintaa la xidhiidha. Laakiin qorshahaas Maraykanka iyo Ingiriisku, waxa ka horyimi hindise kale oo ay wadaan dawladaha Faransiiska, Jarmalka iyo Ruushka oo iyagu diidan in dagaal lagu qaado Ciraaq.

Top


Madaxweynaha Zimbabwe oo ugu baaqay Maraykanka in hubka laga dhigo

Harare (W.Wararka) - Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabi ayaa ugu baaqay Maraykanka inuu hubkiisa baabi’iyo inta uu u muuqdo hubka dalka Ciraaq, waxaanu sidaa ku sheegay Robert Mugabi mar uu la hadlayay Saxafiyiinta shirka ka socda dalka Malaysia ee dalalka dhexdhexaadka ah, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu weerar cad ku qaaday wuxuu ugu yeedhay gumaysiga cusub ee ay hoggaaminayaan Maraykanka iyo Ingiriisku oo uu ku eedeeyay inay dibin-daabyo ka dhex wadaan dalalka soo koraya, isla markaana wuxuu cambaareeyay cuna-qabataynta lagu hayo dalka Ciraaq iyo weerarka haatan lala maagan yahayba.

Madaxda Maraykanka iyo Ingiriiskana waxa uu ku eedeeyay inay yihiin gumaystayaal cusub oo u ooman dhiiga dalalka soo koraya. "Waxa is-weydiin leh waxa uu Maraykanku ugu guntan yahay burburinta hubka Ciraaq, isagoo haysta hubka uu Ciraaq ku eedaynayo mid ka burburin badan, aadna uga tiro badan," ayuu yidhi, isagoo isweydiiyay sababta ay Maraykanka iyo Ingiriisku ugu haliilayaan weerar ay ku qaadaan Ciraaq.

Waxa kaloo uu cambaareeyay siyaasadaha ay dawladaha reer Galbeedku kula dhaqmaan dawladdiisa oo ku tilmaamay mid cadowtinimo ah iyagoo is-hortaagay kaalmadii uu dalkaasi ka heli lahaa Caalamka.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dhalinyarada Somaliland Yay Sugayaan?

Aniga oo ah nin dhalinyaro ah deggena magaalada Hargeysa ahna xubin ka tirsan ururka dhalinyarada ah ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo "SOYVA" ayaa waxaan maanta jecelahay in aan ka hadlo arrin la xidhiidha dhalinyarada Somaliland gaar ahaan kuwa reer Hargeysa ee aan ka midka ahay.

Haddaba dhalinyarada oo ah lafdhabarta qaran kasta oo adduunka ka dhisan isla markaana ay dawlad kastaa siiso ahmiyada ugu balaadhan ayaa inkastoo dastuurka Somaliland siinaayo dhalinyarada ahmiyadda balaadhan ayaad haddana dareemaysaan in aanay dawladeenu ogaynba ama aan ugu hagar bixin sidii ugu suurtagalsanayd sababtu waxay doonto ha ahaatee haddaba dhalinyahay ma waxaad doorateen in aad sidan mugdiga badan ku sii jirtaan? Yaadse sugaysaan? Maxaynu uga hadli waynay xuquuqdeena?

Su’aalahan iyo kuwo kaleba waxaan u dhaafayaa cidii dhalinyaro ah ee arkaysa waxyaabaha darxumada haysata dhalinyarada, sidaas daraadeed waxyaabaha ugu daran ee ay maanta tahay in aynu ka hawlgalno waxaa ka mid ah in aynu joojino ka hortagno kuwa inaga midka ah ee wakhtigoodii qaaliga ku lumiyay balwadaha xun xun, nooc kasta yihiinba, in aynu ka hortagno dhaqan xumada aafaysan dhalinyaradeena qaarkood, ka hortagaa xaalufinta deegaankeena, waa in aynu isku daynaa sidii aynu u heli lahayn waxbarasho taam ah oo aynu kawada qaybgalo yar iyo waynba. Haddaba innaga oo ka duulayna arrimahan kor ku xusan waa in aynu iskaashanaa isla markaana dedaal wayn oo horumar leh samaynaa ah.

Maxamed Cabdi Jaamac Hargeysa

Top


Kuwaan Dooranaynow

Maanso - Fahad Jaamac Rooble 

Dardaaran Maanso
Kuwaan dooranaynow, waxa iga dardaaran ah.
Doqontii halaysani ma taqaano dawgiyo, dariiqii qodxaha leh’e.
Waxa idin daba taal, hawl aad u dihinoo.
Degtay oo habawdoo, duugowday baa taal, meeshan aad duljoogtaan.
Alle ha idin daayee, waxaan idinka dalbanaynaa.
Inaad doorkan maanta ah, siduu daa’inkeen yidhi.
Dalka aad xalaal iyo, daacad ugu shaqaysaan.
Danyarta iyo dadweynaha, deg deg ugu adeegtaan.
Waxa la isku dilayaa, dadkeenii ku daaleen.
Dumarkii iyo carruurtiyo, danyartii ku waasheen.
Dhulkiibaa la duudsiyay, daa’inkii lahaa iyo.
Loo diiday, dawgii xaqa ahaa.
Nin dibadaha ka yimi baa, iibsaday dalkiiyoo.
Dilaal iyo malaal buu, dolar miidhan siiyo.
Dadkii buu ku haystaa, degeladoodiiye.
Waxa kaaga sii daran, warqad aad u daranoo.
Sharci lagu dambaabuu, durbadiiba haystaa.
Kuwii hore u duugeen,
Waxa taa ka sii daran, mid kalaa ka daranoo.
Dibadna aan ka imanoo, dadartuun dal-dalayoo.
Dariiqayadii xanibayoo, oo ku duuban qoriyoo.
Kugu dilaaya meeshaad, waligaaba degenayd.
Imisaa dayooboo, laga saaray dawgii.
Imisaa duqooboo, lagu hayaa duleedada.
Imisaa la dilayoo, lagu daboolay iilkii.
Imisaa la dooxoo, dhakhtarada dul wadhanoo.
Cidina aanay dawaynayn.
Intaas oo Dulaysan, waxaan iskugu soo daray.
Dulucdeedu waxay tahay, dabuubta iyo ujeedada.
Waxan ula dan leeyahay, waa inaad dedaashaan.
Oo ku daryeeshaan.
Dulmigiyo lugooyada, dalka aad ka saartaan.
Alle ha idin daayee, waxaan idinka dalbanaynaa.
Nabad aan dayoobayn, daacad aan halaabayn.
Dayax aan qarsoomayn, dabayl aan wax qaadayn.
Dalka inaad ku maashaan.
Dalkii wuu hagaagee, dadkiina aad u dedaashaan.
Kala dooraanayow, dalka waxaad u qabatay sheeg.

Fahad Jaamac Rooble
Hargeysa

Top


Saxaafadda Iyo Doorkii Marxuum M. C. Shide Halkay Ku Dambaysay

Aduunyadan aynu ku noolnahay waxa wax lagu kaydiyaa waa taariikhda (History) taasi oo ah mid ka sheekaysa wixii hore waxa hada socda iyo waxa iman kara saadaal kaydka ama sooyaalka taariikheed ee adduunka waxaan ka dheehan kartaa qisooyin xiiso leh, qaar argagax badan, iyo qaar ku dayasho leh.

Dalkeena oo ah dal soo koraya oo aan ilaa hadda adduunka kale ka helin ictiraaf caalamiya, waxa inoo taala ictiraafka dhexdeena kaasi oo ah mid aad u muhiim ah munaasibada qofkasta oo inaga mida oo dalkeena ku soo kordhiya arrin horumarin u leh dalkeena iyo dadkiisa, taasi waa mid in lagu tixgaliyo mudan muwaadin kasta hadaanu soo dago dulucda maqaalkayga. Doorkii Saxaafadda Madaxa banaan ee uu ku lahaa Marxuum Muj: M.C. Shide.

Waxaa wax lala yaabo igu noqotay sida suxufiyiintii ku shiray huteel Ming Sing ee ay ku soo saareen urur saxaafadda Somaliland leedahay, kaasi oo marnaba aan soo hadal qaadin doorkii uu ka soo qaatay halgamaagii weynaa ee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide waxa laga sheekaynayo kor u qaadista tayada saxaafadda Somaliland iyo jidkii uu jeexay madax banaanida iyada oo uu marxuumku naf iyo maalba u huray in dalkani yeesho saxaafad iyo madbacado casri ah.

Waa wax laga fili karayay wiilasha aqoonta saxaafadda saboolka ka ah ee isugu tagay Mingsing inay hilmaamaan doorkii uu ku lahaa horumarinta saxaafadda xorta ah ee Somaliland marxuum M.C.Shide, waxaase wax aan la qaadan karin ah odayada iyagu aqoonta u leh ee shirka ka qaybgalay isla markaana ka badheedhay inay ogolaadaan in la dafiro taariikhdii uu saxaafadda soo gaadhsiiyay mujaahidkaasi, waa inay ogaadaan haddii arrini sidaa tahay inay taariikhdoodana la hilmaami doona, maalinta toodu timaado.

Waa wax laga xishoodo waxaad doonayso sameeyo inaad qariso halgan lagaaga soo horeeyay tacab badan oo naf iyo maal lihi ku baxay (Xaasha’e Nin libin kaa xastiyay xumihii waa yaabe).

Ta kale dhawaanahan waxa soo shaac baxayay maqlaynaa muran iyo yooyootan saxaafadda dhexdeeda ah oo la isku adeegsaday jaraa’idka iyo raadyowga dawladda, hase yeeshee arrintaasi gar qaadkeeda waxaan u daynayaa dadweynaha oo ah qaar dhex ka ah arrinta.

Balse haddii aan wax yar ka iftiimiyo mugdigayga faraha badan ee iiga muuqda arrintani waxa weeyi inamada ku bahoobay shirkii suxufiyiinta ay xukuumaddu ugu qabatay huteel Ming Sing waa mid iska cad inay xukuumaddu gardaadisay kulankaasi waana mid ujeedadiisa lala maagay markii uu halkaa ka cadeeyeen ururka SSJW, inaan loo dhamayn kulankaasi.

Maxaa buuqa abuuray, waa arrin la wada fahmi karo in ujeedada shirka Mingsing ahayd sidii loogaga hortagi lahaa ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxa banaan ay hore u samaysteen ee la yidhaahdo "SSJW".

Waxa kale oo qorshaha xukuumaddu ahaa in shirkaas lagu taageero xeer ay xukuumadu samaynayso oo lagu dabrayo xorriyada saxaafadda. ma tilmaamayaan weerar u gaara cid gooniya waxaase ahayd inay dawladdu is difaacdo aanu jiri doonin oo inamada saxaafaddu aanay furinta isa soo tubin. Hana ogaadeen in urur manaboli ah oo kaliya saxaafaddu yeelanayso.

Waxaan ku soo khatimayaa mar haddaad milgihii u saxaafadda ka mudnaa Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa aabihii saxaafadda xorta ah ee Somaliland maalintaa aad Mingsing ku shirayseen faataxada aan loo marin maalmihii la fadhiyay Hotel Ming Sing, muxuu idinka filayaa suxufiga xuquuqdiisii ka maqantahay.

Najiib Cabdi Ciise
Cabdi C/laahi "Tadhaa)
Hargeysa

Top


Waxaan uga jeeday jihaadka weyn

Anigoo daba socda baaq aan umadda 20/02/03 uga jeediyay munaasibaddii xuskii dhagax-tuurka oo ku soo baxay wargeyska Al-Xorriya cinwaankiisana ahaa "Waxaan umadda ugu baaqayaa jihaadkii 2aad," kaas oo runtii umadda ku kordhiyay dareen ninba si u turjuntay qaarkoodna isoo doonteen si ay arrinkaa wax iiga weydiiyaan ayaa waxaan jecelahay inaan baaqaa iyo jihaadkaa labaad ka bixiyo fasiraad kooban, ujeedadana ka taabto. Baaqaa oo ah dareenkaygii iyo kii umadda intooda badan ee mudadii dalka la xoreeyay gudbintiisana aan bilaabay 3/01/2002, anigoo ka bilaabay qoyskayga iyo dhallinyarada macnihiisu waxa weeye jihaadkaa labaad: Jihaadkaa aan ku baaqay waa jihaadkii weynaa ee nafta iyo shaydaanka ee Rasuulkeenii Maxamed SCW ugu baaqay umadda maalintii Fatxul-maka kadib 23 sano oo jihad ah, isagoo yidhi; "Rajacnaa min jihaadil asqar ilaa jihaadil akbar."

Waa jihaadka aynu ku hanan karno guushii Ilaahay ina siiyay inagoo ku ilaashan karna nabadgelyadeena, oo bulshadeena ku bislaysan karo. Waa ka markaynu bilowno inagoo Ilaahay la kaashanayna aynu xaqa ku sheegi lahayn, xumahana ku suulin lahayn. Waa ka umadan burburku ku dhacay ee dib-u-dejinta, dhaqaalaynta iyo horumarka u baahani ku dareemi karto inay wax qabsan karaan, tusaale ahaan caanaha Hargeysa lagu cabo ee hadda sida qaadka loo soo geliyo iyadoo Itoobiya laga keeno, miyaanay ahayn inaynu meel dhow ka keeno hawl qabsan karno iyo wixii la mid ah. Haddii aynu shalay dhallinyaradeena u dhiibnay qori inaynu maanta u dhiibno Majarafad iyo Yaambo.

Waa arrin umadda u taal gaar ahaan hormoodkeeda oo ay maanta ugu horreeyaan iyagoo laga doonayo inay iyagu arrinkan umadda ku hoggaamiyaan ama aas-aasba u noqdaan golayaasha deegaanka dalka oo ah kuwii ugu horreeyay ee ku soo baxa nidaamka dimuqraadiyadda oo ka mid ah waxyaalihii loo soo galay jihaadkii hore ee yaraa iyo saxaafadda madaxa-bannaan.

Chief Caaqil Axmed Aw Cali (Shabeel).

Top


Maamul taariikh ka tegay

Maayorkii hore ee Hargeysa Axmed Dheere iyo labadii mayor xigeen ee muddada yar lagu beddelay waxay ka tageen Taariikh wax ku ool ah oo aan hore u dhicin. Maamulo badan baa isa soo daba-joogay Dawladda hoose ee Hargeysa, oo muraayadda dalka Somaliland iyo maamulkiisaba laga daawanayo.

Maamulkan ugu dambeeyay wuxuu ahaa kii ugu muddada yaraa (lix bilood oo keliya), isla markaana ugu wax-qabadka wanaagsanaa, waxqabadkooda taariikhiga ahna waxa ka mid ah:

  1. Habka cashuur ururinta, oo loo sameeyay dariiq loo raaco (buug dhan baa la daabacay).

  2. Gaadiid cusub oo ka kooban lix baabuur oo kala ah; Saddex waaweyn iyo Saddex yar-yar. Waxa ka mid ah baabuur aad u weyn oo (Xaabsade) la baxay.

  3. Cagaf-cagaf (Sheewal) la saaray mishiin cusub.

  4. Waxay bixiyeen 120 (boqol iyo labaatan) milyan oo deyntii lagaga tegay ahayd iyo Saddex bilood oo mushahaaradii shaqaalaha ahayd.

  5. Xero-dhiig cusub oo aad iyo aad loogu baahnaa oo gacanta lagu hayo.

  6. God aad u weyn oo loogu talogalay in soddon sanadood qashinka lagu ururiyo.

  7. waxa dib loo hagaajiyay afartan haamood oo hawl-gab ahaa.

  8. waxay hagaajiyeen sagaal biyo-mareen oo xashiish ku awdnaa.

  9. waxay ku guulaysteen musharkii shaqaalaha oo aan ka dib dhicin, waxna ka maqnayn.

  10. waxay aad iyo aad u yareeyeen kharashkii badnaa ee ku bixi jiray shidaalka hawl-maalmeedka, iyagoo weliba gaadiidkana kordhiyay.

  11. waxay ku wareejiyeen maamulka cusub ee la doortay 23 milyan oo deyn ah oo keliya.

Weliba waxa intaa dheer inaanu jirin khasaare la garab dhigo, oo wax-qabadkooda carqaladayn karaa.

Sidaa darteed waxay mudan yihiin in loo hambalyeeyo, isla markaana laga tusaale qaato.

Muj. Jaamac Gaashaan-cadde.
Hargeysa

Top


IRMAANTA SUUGAANTA

Abwaan Saxardiid Iyo Sooyaalkiisii Suugaanneed

Saxardiid oo ah Hal abuur wayn oo suugaaneed ayaanu Arbacadii todobaadkii hore idiin soo daynay, qaybtii hore ee waraysi ay la yeelatay shabakada la yidhaahdo Shunuuf.tripod.com oo ay suugaan laxaadle ku kaydiyeen niman dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah (Shunuf Family), laakiin qaybtii labaad ee waraysitgan waxay dhacday sidan: 

Su'aal: Ruwaayaddii hanaan qurux wanaag maxay ulajeedadeedu ahayd?

Saxardiid: Waxaan sameeyay ruwaayadda 60kii, qol ayaanay iskaga xidhnayd. Isla markiiba waxaan dareemay lababdeenii qaybood ee israacay inaan wax Somaliland loo ogolyahay aanay jirin. Debadeed 64kii ayaa markaan arkay inay wixii sii socdaan oonay waxba iska bedelayn ayaan doonay inaan dadka baraarujiyo si aynu uga soo goosano oo aynu inagu isu maamulo. Ruwaayaddu waxay ka socoto lama qeexo oo maraa la huwiyaa ilaa lagugu garto. Heesaha ku jiray Ruwaayadda waxa ka mid ahaa, hibooy hadal macaaneey, midha geed ku yaal, iyo heeso kaloo badan midhaha heesaha ku jiray waxa ka mid ahaa:

wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina Shimbir, Hibooy Hadal macaaneey Shimbir Guud Haldhaaleey shimbir Ilwaad Quruxeey Shimbir iyo Magool,
iyo heeso kaloo badan oo aanaan halkan ku haynin.

Su'aal: waligaa gabayo miyaad samaysay?

Saxardiid: Haayoo gabayo badan ayaan sameeyay, laakin imika qaar badan ayaan ilaabay. Gabaygan waxaan tiriyay lixdankii oo aan kula hadlayay xamar oon Aadan Cadde la hadlayay. gabaygan oo aan kaga hadlayay xumaatooyinka inagu soo fool lahaa oon islahaa dadka dareensii iyagoon u bislaan.

Suaal: Ruwaayaddii laguma dhaamee dhaqaaq siday ku soo baxday maxaanay ku saabsanayd?

Saxardiid: Ruwaayaddani waxay matalaysay dawladdii waqtigaa 1965kii wadanka ka talinaysay. Dawladdaas oo nin walbaaba lahaa anigay igu gudhaa. Sarkaal kasta oo dawaladda ka mid ihina uu dadka iskaga dhigo inuu yahay ka kaliya isagoo leh ciddi ima dhaanto. Ruwaayadda waxay ku socotay afar nin iyo gabadh, nin tuurleh, nin curyaanah, nin cawaran iyo nin xoog weyn. Heesaha ku jiray waxa ka mid ah :
Deeqa arramidaadii Ogow Garina Calaf duug ma yeeshee kani waa hanadkii iyo heeso kaloo badan oo wali naga maqan.

Suaal: Ruwaayaddii Booraamo Hadimo Ha Qodin ku Dhici Doontaana Mooyaane, heesihii ku jiray maxaa ka mid ahaa?

Saxardiid: Heesihii ku jiray ruwaayadda waxa ka mid ahaa:

Saxariir cabdi qays Waxa i helay huq raagtay
kas caano galeen Magool
ogow bal eeg Magool lad oo ha liicin gacanlow hibo, iyo heeso kaloo badan

Sua'aal: Imisa Ruwaayadood ayaad samaysay?

Saxaridiid: Horta wey fara badnaayeen waqti horana wey ahayd, waanan kala iloobay waqtigan aynu joogno, laakin waxaan odhan karaa ilaa 10 ruwaayadood wey gaadhayeen. Waxaan magacyadood ka mid ahaa, iyagoon ku koobnayan:

Gardiid Waa Alla Diid Malko Wacad alloon kaa Cabbaa Wanqal Ismoodsiis Fiiriyaa ma Fallo, Booraamo Hadimo ha qodin ku dhici Doontaana Mooyaane Hanaan Qourux Wanaag Laguma Dhaamee Dhaqaaq

Su'aal: Imisaa fanaaniin caan imika ah oo lawada yaqaan ayaa ku soo shaac baxay
ruwaayadahaad samaysay?

Saxardid: Waa suaal wacan. waxay ila tahay inay aad u badan yihiin, waxa qayb libaax ka qaatay, Cismaan gacanlow, Magool, Shimbir, Cabdi Qays, Cabdi Tahliil, Faadumo cabdilaahi, Maandeeq, Cali Bamfas, Shankaroon, Dacar, Maxamad Yusuf, Maxamad Axmad iyo qaar kaloo badan.

Sua'aal : Kabba Caddii yaa ka mid ahaa, waqtigoodii se goormuu ahaa?

Saxardiid: waqtigoodi waxa lagu qiyaasaa 1936kii ilaa 1945kii, waxaana ka mid ahaa rag aad u fara badan oo ay ka mid yihiin, Yusuf Qudun, Mooge Baban, Sanyare, Ayban, Cadduur Cali Axmad, Cumar Mushteeg, Farabadane, Yusuf Cadde iyo qaar kaloo badan.

Su'aal : Walaalo Hargeya yaa ka mid ahaa, waqtigoodiina goorma ayuu ahaa?

Saxardiid: Walaalo Hargeysa Waqtigoodii waxa lagu qiyaasaa [1945kii ilaa 1960kii] Ina Axmad Guuleed, Ina Nuur Qabaas oo ahaa ninka "Raaxeeye" alifay, Xuseen Aw Faarax, Maxamad Yusuf, Cali Sugule, Ismaaciil Axmad [Cagaf], Tayuub Caamir, Barkhad Cas, Cabdilaahi Qarshe, Maxamad Axmad, Baaniyaal, Gidhin, Xasan Samatar, Maxamad Saciid, Cunaaye, Xasan Nahaari, Cumar Dhuule, Guroon_Jire iyo qaar kaloo badan.

Su'aal: Maxaa u dhaxeeyay kabba-cadii iyo walaalo hargeysa?

Saxardiid: Horta fanku gabigiisaba wuxuu ka soo bilaabmay ciyaarihii miyigeena. Kabba caddu waxay ahaayeen kuwii soo suuqeeyay ee keenay magaalooyinka, ama gabay ha ahaato ama hees ha ahaato, iyagaana ugu horeeyay wax ku tuma codad kuna yeedha.
walaalo hargeysana kuwii dhagaha dadka u macaaneeyay ayay ahayeen ee maskaxda dadka ku beeray sida luuqda iyo muusigga [ dananka] loo dhagaysto.

Sua'aal: Ma midhahaa codka hogaamiya mise muusigga [dananka]?

Saxrdiid: Midhaha ayaa hogaamiya, bari ayaanu niman aanu saaxiib ahayn ka muranay arrintaa iyadda ah. waxaan sameeyay afar heesood, saddex midhahooda si isku dhaw ayaan u sameeyey, tii ugu dambaysayna si ka gooniya ayaan u sameeyay midhaheeda. Saddexdii isku midka ahaa markiiba dananka way ku fadhiisiyeen, tii kalena wey u taag waayeen. illaa aan u bedelay midhihii may helin danankeeda. midhaha ayaa codka keena ee codku midhaha ma sameeyo, codku wuxuun buu macaaneeya.

Suaal: Midhaha sidee baad u samaysaa?

Saxardiid: Horta waa inaad heshaa "topic" ama waa inay jirtaa ulajeedo aad miidhaha u samaynayaa. Waa inaad halkudheg heshaa marka hore. Wuxuu tusaale nagu siiyay, mar isagoo ruwaayad samaynaya uu helay bayd kaliyaa oo ahaa sida tan intii kalena ay ka xidhantay ama uu heli waayay, waa guul hel ama waa is gawracaa', geeri iyo nolol baa gudboonaadee somali Ilaahow garansii Barkhad-cas, Ilaahay haw naxariistee, oo ruwaayadda ku jiray, ayaan ku idhi dhammee wey iga xidhantee. Ilayn "topic"ga ayuu haystaaye, si hawl yar ayuu ugu biiriyay baydkan kale:

Waa gudhi ama waa hashaada godlee gaajiyo dhereg baa gudboonaadee Somali Ilaahow garansii

Suaal : "Music" iyo "musician" maxaa af-somalilga lagu yidhaahdaa?

Saxardiid: qofka wax tuma iyo waxa la tumayo horaan uga faalooday. Barigii af-Somlaiga la qorayay ayay Xasan Maygaag, Muuse Galaal iyo Cumar Usteeliye oo wada socda su'aashaa i weydiiyeen iyagoo markaa af-Somaliga ururinaya. Waxaan ugu jawaabay maansadan oon ku eraybixinayo kuna fasilayo, duunyada kaleetiyo haddii geel dar lagu horo oon loo dunuunicin biyaha wa ku diidaa ma durduurtee weys dul taaga durbaan cidiisa ama dananka ruuxii dareemee kolkaa dakaansan wey daal tiraanoo waa dux iyo subag Markaa af-somali wuxuu "music" noqonayaa "danan". Qofka tumayaana "musician" in la yidhaa "dananshe" ayaa fiican ayaan ku idhi.

Suaal: Fanaaniitii hore iyo fanaaniinta imika jooga waa maxay faraqa u dhaxeeyaa?

Saxardiid: Horta, fanaaniitii hore iyo kuwan maanta jooga waqtiga ayaa kala kaxaynaya oo shalay iyo maanta isku mid maaha. Dadkii horana kuwii barigii hore tummi jiray ayay jecelyihiin kuwan dambana kuway la jaan-qaadeen ayay la dhacsanyihiin. saban waliba fanaaniintisuu leeyahay. Barigii hore qof walbaaba heestiisa ayuu ku ekaan jiray, imikana waxaad arkaysa qof 30 heesood oonu shaqu ku lahayn qaadaya. Waxay ila tahay haddii fanaaniin badan uu midba mar isla heestii qaado, inay macna guurto oo dhadhankii heesta ka lumo.

Suaal: Aduunyada kaloo dhammi qiimo ayay u yeeshaa fanaaniintooda, maxay dadka reer Somaliland u qiimayn la'yihiin abwaaniintooda iyo fanaaniintooda?

Saxardid: Waa suaal wanaagsan. Horta way qiimeeyaan, umadda Somaliduna fanka aad ayay u jeceshahay waanay qiimaysaa. Waxa jiri jirtay in qofka is yidhaa si fiican u hadal uu ama ku hadli jiray gabay ama geeraar ama maahmaah iwm. Waxay ila tahay fanaaniinta qaarkood ayaan kor isku dhigin oon is qiimayn.

Suaal : Ruwaayaddo farabadan iyo suugaan aad u balaadhan ayaad mudo aad u yar u soo bandhigtay umadda af-Somaliga ku hadasha dhammaan. Maxaad fankii uga baxday kuna aamusiiyay 30kii sanadood ee uugu dambeeyay?

Saxardiid: Waa suaal fiican, in wax laysa su'aalaana wa wax meesha ku jira. Fanka in badan ayaan doonay inaan heerku taagan yahay ka gudbiyo, oon halkuu taagnaa hore uga sii mariyo. Kolkaan badhtanka soo gaadhsiiyay ayuu dib iila noqday oo halkii aan is laha ka soo dhaqaaji ayuu igula noqday. Waayo markii horaba maan donayn inaan fanka ka dhigto shaqo ee fanka naaxintiisa ayay ahayd ulajeedadaan u soo galay. Markii ay iga gaabiyeen een is idhi wax badan halkii ka soo riix ayaan goostay inaan hawlo kale ku foofo oo aan fanka faraha kala baxo.

Markii uu jawaabtaa Saxardiid bixiyay ayuu Cali Bamfas oo isna goobtaa nala fadhiyay kala wareegay oo uu noo shaagay inuu dareemay aamusnaanta Saxardiid. waxa Cali uu halkaa ka yidhi "Waxa jiray gabay aan ku sameeyay Mandheera 1981kii anigoo halkaa ku xidhan. Gabayaygan oon ku soo wareejiyay fanaaniinta Somaliland oo dhan oo qofba uu baydad ku lahaa. Sidan ayuu ahaa baydka ku socday Saxardiid.

"Saxardiid hagoog siduu u galay heesna tirin waaye intii uu kadeedkani hirgalay muu
halaanhaline sababtuu fankii uga hadhgalay la hubsan doonee."

Top


Habar Iyo Habeenkeed(Gabay)

Maxamed Sh.Cali

Helow-Helow Habeen Dumay, Naftu Hayn La’daan baqo.
Hangalka aan la sara kacay, tolow yaa Hargeysadan.
Hadalkiisu gaadhaa, igu haga khadkeedoo.
Is huboon wakiishaa, hawada xumaatoo.
Ana waan hambaranayaa, hanadkii Rayaaliyo.
Axmed Waw han waynaa, golayaashii yaa talow.
Eray ii horgayn kara, xog aan kala hanbaystaan.
Hojiskeeda maagoon, in yar idin habsiin lahaa.
Hal abuur umaan bixin, Burco haatan iyo hore.
Waxba uma hagaagsana, huu haa iyo digashaa.
Danyar lala horjoogaa, hirdan xeeladeed iyo.
Habar aanay geyinoo, hagardaamo ma ogiye.
Himilada wax yeelay, hooyadu ka cabataa.
Caku iyo hoh leedahay, hoos inay u oydiyo.
Hinbidh ma aanan sheegine, hayaay qaylo dheer iyo.
Misna hadal cad diidaa, jug kastoo hafeeftliyo.
Inta nabar hurgumoliyo, inta hibasho reebtaba.
Hoos ugu degiisiyo, haboon aarkeed gudashiyo.
Dub libteedii hanashaba, harag adag iyo saamiyo.
Huwisaa karbaashoy, si ay calan hadhsi leh iyo.
Xornimada u hanan lahayd, u hurtaa aqoonsiga.
Sabir kala hidaystaan, ham-hamta iyo xanshaashaqa.
Halawda & yeedhmadan, Ilayn dhalasho hilib iyo.
Hiil baad wadaagtaan, adigay Hargeisaay, hoos kuula faqaysaa.
Qorayaasha hodankee, Haatuf iyo Jamhuuriyee, si haboon u qorayaw.
Waxay tidhi Hogaan jaan, iyo kooxo hadaf laa, si uu helo dan uu rabo.
In ay nabadan holoc galin, hanjabaada goor nool.
Igu hanqajinayoon, khasab ugu hiloobaa.
Haada ugu roonahay, hawraarsan beenaan.
Heeryada ugu qaada, Hashu igu sed dheeraa.
Goormay haways dhali? Markaan, hooyo & ubad.
Maatadii hanqaarantoo, hiir daysay beeshiye.
Maxaa Dunidi Helay tolow, weli lay hakinayaa.
Mise way Hagranaysaan? Hoosaasinaysaan.
Awrtii aan hijrada rabay, een bayd horaadiyo.
Caynka u hubsadayeen, saanta u hagoojeen.
Kebeda u Hadheeyeen, Hiyo Idheh xidh-xidh sheeg.
Hogaanka iga hanateen, Saw-kani Habeen Dumay.
Uu Habar Dugaag idil, hareeraha ka raacee.
Hilib doon u soo baxay, Halis baa la marayaa.
Hadmaad Reerka furaysaan? Mee Hinkii barwaaqay.
Hore Noogu sheegeen, Heelkii Sahanku Soo Helay.
Habaq-lahan Maxay baday? Habar iyo habeenkeed.
Ayaa Hadal ku soo xidhay.

Maxamuud Sheekh Cali Saciid
Burco.

Top


Dil-Dilaacii Ubixii Dhiigga Iyo Kacaankii Dhergiga

Buug Cusub Oo Ka Hadlaya Kacaankii Mingiste 1974-1991

Ganat: Markaa ma been ayey kuu sheegeen Tasfaaye Walda Salaase iyo qolyihiisu ?.
Mingistu: Waxaan garanayaa inay lahaayeen Xayle Fiddaa iyo cadow kale oo badan in la ilaawo ma aha, isla markaana bartilmaameedka ay diiradda saareen waxa uu ahaa diilinta bariga, ta kale qalalaasaha ijtimaaciga ah ee weerarada badan ku salaysan iyaga ayaa keenay ama abuuray, waayo waxa jiray niman badan oo is-colaystay, tusaale ahaan qolada MA’ISA-da iyo IHABA-du isu cadaw ayey ahaayeen, sidoo kale anaga dhexdayada waxa MA’ISA-da la col ahaa niman ay ka mid yihiin Shamalis iyo Alamu Ababe, waxa kale oo iyaguna jiray koox la odhan jiray "The Gang of four", laakiin MA’ISO-da iyo IHABA-du way kala duwanaayeen, waayo IHABA-du waxay ahaayeen niman mawqifkooda iyo waxa ay aaminsanyihiin ku dagaalamaya oo naftooda u huraya, balse kooxda MA’ISO-du waxay odhan jireen niman ama koox siyaasadeed ayaanu nahay, sidaa darteed aragtidooda dhinaca dagaalku waxa uu ahaa mid daciif ah, waxaana ka mid ahaa niman aad wax u bartay oo muddo badan waxbarasho ku soo jiray, tusaale ahaan anigu aad ayaan u ixtiraami jiray ninka la odhan jiray Xayle Fiddaa, taasina waxay ahayd arin la wada ogaa oo aanu muran ka taagnayn, wuxuuna ahaa nin aad u degan, isla markaana aqoon badan leh oo aad wax u soo bartay, kuna wanaagsan falsafadda maarkiisiimka (Ra’yigii shuuciyadda), sidoo kale waxa uu ahaa nin ay maskaxdiisu furan tahay, isla markaana hadii la eego dhinaca hadalka iyo qoraalada waxa uu ahaa lafdhabarta xisbiga. Sidoo kale hadii aad aragtay ninka la yidhaahdo Khadir waxa shahaado sare ku soo qaatay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna ku dhashay meesha la yidhaahdo Elibaabur, isla markaana markii uu ubaxa kacaanku dil-dilaacayey ee uu kacaanku dhashay waxa uu macalin ka ahaa jaamacadda Khartuum ee dalka Suudaan, dabadeedna dadkii Itoobiyaanka ahaa ee Suudaan joogay waxa uu ninkii abaabulay ee isu soo ururiyey, wuxuuna ahaa nin aan had iyo goor buuq badnayd, isla markaana dadka fahmi kara, ta kale waxa uu nin ku wanaagsan hantiwadaagga. 

Ninka isna la odhan jiray Sinaayi Likke waxa uu ahaa nin Xayle Fiddaa oo kale ah, laakiin nimankaas oo aan aqoon dhow u lahaa waxay aahayeen niman aan jeclaa, isla markaana aan qaderin jiray, waxayna ahaayeen niman aan isku hallayn jiray, waayo waxaan aaminsanaa inay mustaqbalka dambe wax igala qaban karaan oo ay nagala qayb qaadan karaan kobcinta kacaanka. Laakiin Xayle Fiddaa waxaan u malaynayaa inay duufsadeen qolooyinkii kale, waayo waxa jiray niman kursiga aad ugu harraadanaa oo kelaab (Ey) ah ayaa Xayle Fiddaa la socon jiray, waxa kale oo la socon jiray koox kale oo iyagu doonayey inay wax waliba degdeg ugu dhamaadaan, waxaana kuwaa ka mid ahaa ninka la odhan jiray Daani’el oo ahaa nin degdeg laga raacay, sidoo kale ninka la yidhaahdo Kabade sidaas oo kale ayuu ahaa nin degdeg badan, waxa kale oo isna dhaqanka degdegga lahaa ninka la odhan jiray Tafare, sidoo kale naagta la odhan jiray Nigist Adaane oo MA’ISO ka mid ahayd waxay ahayd naag waallan, waayo tusaale ahaan maalin maalmaha ka mid ah walaalkeed oo la odhan jiray Biniyaam Adaane oo xubin ka ahaa IHABA-da inta ay ugu gashay xafiiskiisa ayey debedda uga soo saartay oo ay dishay, wuxuuna ninkaasi ka shaqayn jiray wasaaradda beeraha Itoobiya, laakiin naagtaasi aniga (mingistu) way I dili gaadhay. Hase yeeshee beryihii dambe waxa dhacday Kooxda MA’ISO-du inta ay isu yeedhaan xubnaha ururka ayey bilaabeen inay isla dhexdooda daabacaan qoraalo ay isku maagayaan, dabadeedna markii ay taasi dhacday ayaan anigu isugu wada yeedhay oo aan la yeeshay kulan, ka dibna aniga oo aan midkoodna u eexanayn ayaan ku idhi "waar hebelow daa iyo hebelow adna daa"ayaan u kala taliyey, dabadeedna waxay yidhaahdeen "Waaryaadheheen ninkani (mingistu) waxa laga yaabaa inuu inagana inagu soo kala celiyo", dabadeedna naagtii waallayd ee Nigist ayaa tidhi "Hadii loo baahdo in Mingistu la khaarajiyo aniga ayaa hawshaa fulinaya oo ka soo baxaya", taasina been kama ay ahayn waayo waxay muujisay sida ay hawl-galka caynkaas diyaarka ugu tahay inay fuliso iyadoo raali ku ah inay falkaa khaarajiska samayso, waxayna mar kale tidhi "Xataa hadii aad doontaan inta aan xafiiskiisa ugu galo ayaan halkaa nafta kaga jarayaa", laakiin arintaasi isla markiiba way na soo gaadhay, ka dibna si aanu isaga ilaalino waxaanu samaynay feejigo aanu iskaga difaacayno khatarteeda, taas oo aanu dejinay qorshe lagu ilaaliyo si aanay xafiiskayga agagaarkiisa ugu soo dhowaan.

Ganat: Yaa kuu sheegay inay sidaasi jirto oo ay naagtaasi tidhi anigaa Mingistu khaarajinaya?

Mingistu: Ninka la yidhaahdo Sinaayi iyo qaar kale ayaa igu yidhi "Naagtaasi ha u ogolaan inay xafiiskaaga soo gasho, waayo wax bay samayn kartaa", waayo nimankaasi waxay ahaayeen niman aqoon u leh naagtaa oo ay wada joogi jireen Yurub iyo debedaha. Nimankaasi may ahayn niman maqli karayey inay dhibaato I soo gaadho ama waxyeelo lay geysto, isla markaana dadka intooda badani waxay dalka ugu soo laabteen kalsooni ay igu qabeen. Sidaa darteed markii ay isqabteen inta aan anigu isugu yeedhay oo la hadlay, laakiin qolooyinkii kale waxay islahaayeen "hadii ay arin yari isyara bedesho oo aanu Mingistu Xayle Mariam joogin ciidanka kale ee meesha jooga ayaa la laynayaa". Sidoo kale nimankii kale ee milateriga ahaa aanu wada shaqaynaynay waxay lahaayeen oo ay igu xaman jireen hadalo ah "Iyadoo la awoodi karo in gebigoodaba xoog lagu muquuniyo loo taliyo waa maxay waxa uu ka faa’iidayo isugu yeedhyeedhkooda iyo shir-shirin tooda"...

La soco cadadka dambe.

Top


WAADIGA CIYAARAHA

C/fataax M. Caydiid

AC Milan iyo Manchester United Oo Si Fudud Ugu Gudbay Quarterfinals-ka Horyaalka Yurub

Lokomotiv 0-1 Milan

Moscow (AFP): kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan ayaa meel ka samaysatay oo u soo gudubtay wareega sideeda kooxdood ee ugu dambeeya tartanka Horyaalka Yurub xalay, kadib markii ay ku garaaceen kooxda Lokomotiv Moscow 1-0 ciyaar ka mid ahayd ciyaaraha kooxaha Group C.

Ciyaartoyga reer Brazil ee khadka dhexe uga ciyaara AC Milan, Rivaldo ayaa u dhaliyay goolka keliya ee ciyaartan, kaas oo ahaa goolkii shannaad ee uu dhaliyo tartanka horyaalka yurub, waxaanu kooxda u horseeday in ay si fudud ug guulaysato ciyaartii 1000aad ee tartanka horyaalka Yurub.

Natiijada ciyaartani, waxay ka dhigtay in ay kooxda AC Milan hogaanka u qabato kooxaha Group C, waxaanay yeelatay 12 dhibcood oo ay ka urursatay 4 ciyaarood oo ay badisay, halka ay Lokomotiv ku joogsatay kaalinta ugu hoseesaysa Group C oo ay leedahay dhibic keliya.

Kooxda martida loo ahaa ee Lokomotiv oo si weyn ugu baahnaa guusha ciyaartan, si ay u soo nooleyso rajadooda ah in ay u soo gudbaan quaterfinals, ayaa ugu horeyntii ciyaarta weerarkooda ka soo kiciyay dhinaca baalka midig, balse difaaca Milan iyo goolwadahooda Dida, ayaa ku guulaystay in ay joojiyaan oo ay ka hortagaan weerarkasta oo ay soo qaado Lokomotiv.

Laakiin, fursada ug horeysay waxa lahaa kooxda martida ah, kadib markii ciyaartoygooga Dutch-ka ah ee khadka dhexe ka ciyaaraa Clarence Seedorf kubad uu meel dhow kaga laaday oo uu ku tijaabiyay goolhayaha Lokomotiv, Sergei Ovchinnikov, kadib markii uu helay kubad uu dhinaca bidix ka soo karoosay Rivaldo daqiiqadii 14aad. Sideeda daqiiqadood kadib, ayuu Seedorf helay fursad kale, kadib markii uu kubad kulul kaga laaday meel 9 mitir u jirta goolka, laakiin Ovchinnikov ayaa si wanaagsan u badbaadiyay goolkiisa.

Daqiiqadii 34aad ayuu Rivaldo, kooxdiisa Milan siiyay in ay 1-0 hogaanka ku qabato ciyaarta, iyadoo uu si fudud u garaacay goolhaye Ovchinnikov, kadib markii Vadim Yevseyev uu khalad ku galay Filippo Inzaghi khadka dhexdiisa.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la isku soo noqday, kooxda Lokomotiv ayaa weerar ku soo qaaday dhinaca kooxda Milan, waxaa dhiirigelin siinayay taageerayaashooda, si ay u helaan goolka barbardhaca, laakiin kumay guulaysan in ay sameeyaan fursad khatar gelisa goolhayaha Milan ee Dida. Waxaanay Milan ugu jawaabtay weeraro kedis ah oo ay qaadayeen Seedorf iyo Inzaghi, taas oo aanay ku guulaysan in ay labeeyaan goolkooda ay ciyaarta ku hogaaminayeen.

Lokomotiv, ayaa lumisay fursadii keliya ahayd ee ay ku barbarayn lahaayeen ciyaarta, kadib markii uu Dmitry Loskov kubadda kaga shuuday oo uu dul mariyay goolka, kubad uu ka laaday koonaha khadka goolka Milan daqiiqadii 65aad.

Dhinaca kale, maamulka tartanka kooxaha Talyaaniga ah ee Serie A, ayaa go’aansaday in ay kooxda AC Milan 3-0 ku badisay, ciyaartii la joojiyay sabtidii ee ay la yeelatay Torino, taas oo ay taageerayaasha Torino rabshado ku kiciyeen garoonka. Taasina waxay ka dhigtay in ay Milan laba dhibcood oo keliya ka dambayso hogaanka kala horeynta kooxaha Talyaaniga.

Juventus 0-3 United
Turin (AFP): Muuqaal aad u wanaagsan oo uu la yimid ciyaartoyga Ryan Giggs, ayaa siisay in ay Manchester United 3-0 dhulka ku dhigto kooxda Juventus oo lagu ciyaarayay garoonka Delle Alpi, waxaanay kooxdan Ingiriiska ahi si fudud ugu gudubtay quaterfinals-ka tartanka Horyaalka Yurub.

Ciyaartoygan Welsh-ka ah ee Ryan Giggs waxa uu bedelay Diego Forlan daqiiqadii 8aad, waxaanu dhaliyay laba gool, goolkiisa labaad waxa uu tusaale aad u heersareeya u ahaa ciyaartoyga baalka ka ciyaara, ka hor intii aan lagu bedin Ruud Van Nistelrooy qaybtii dambe ee ciyaarta.

Ciyaartoyga Dutch-ka ah ee bedelka ku soo galay ayaa shabagga u dhigay goolka saddexaad daqiiqadii 63aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta kubad uu si fudud ugu riday goolka, kaas oo ahaa goolkii tobnaad ee tartanka horyaalka Yurub uu ka dhaliyo.

Guusha United, waxa ay u gudbisay wareega sideeda kooxood ee isugu soo hadhaya tartanka Horyaalka Yurub oo markii saddexaad u soo gudubto, iyadoo heshay dhibcihii ugu badnaa afartii ciyaarood ee ay wejiga labaad ee tartanka ciyaartay, halka kooxda Talyaaniga ah ee Juventus weli u baahan tahay dedaal dheeraad ah si ay ugu soo gudub wareega sideeda kooxood.

Afar sanno ka hor ayay halkan Manchester United kaga badisay kooxda Juventus 3-2, ciyaartaas oo ahayd is-aragii labaad ee semi-finals-ka tartanka horyaalka Yurub, kadib markii ay dib uga soo noqotay laba gool oo ay Juventus ku hogaaminaysay ciyaar wakhtigeedii hore, waxaanay mar kale ku guulaysatay Man United in ay ka gashato taariikhdeeda.

"Kubadda Cagtu waa ciyaar fani ah- maan doonayn in aan caawa (xalay) ciyaarsiiyo Giggs." Sidaa waxa yidhi tababaraha Manchester United Alex Ferguson, isagoo ka hadlayay kaalinta wanaagsan ee uu Ryan Giggs ka galay guushii ciyaartii xalay, waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; "Laakiin, waxaanu u baahanay inuu bedelo Diego, kadib markii dhaawac soo gaadhay, waxaanu noqday ciyaartoyga guusha dhaliyay."

Dortmund 1-1 Real

Dortmund, Germany (AFP): Hogaanka Horyaalka Yurub, Real Madrid ayaa barbardhac keenay wakhtigii ugu dambeeyay ciyaarta, kadib markii ciyaartoyga bedelka ku soo galay ee Javier Portillo u dhaliyay goolka barbardhaca oo ay 1-1 ku barbareeyeen kooxda Borussia Dortmund xalay.

Gool uu daqiiqadii 23aad u dhaliyay Jan Koller ayay kooxda Dortmund ku hogaaminaysay ciyaarta, waxaanay Real u ekeyd ilaa wakhtiyadii u dambeeyay ee ciyaarta in laga badinayo, ka hor laba daqiiqadood wakhtigii dhammaadka ciyaarta ayuu Zinedine Zidane soo karoosay kubad una soo karoosay Portillo oo ku shuutay goolka, waxaanu ka ka dhigay goolhayaha Jens Lehmann dhinac bidix.

Deportivo 1-0 Basel

Weeraryahanka reer Spain Diego Tristan, ayaa u dhaliyay gool keliya ee ay kooxda Deportivo La Caruna kaga adkaatay kooxda Basel, xalay ciyaar ku dhexmartay dalka Spain.

Goolka oo uu dhaliyay daqiiqadii 4aad, waxa uu 26jirkan Tristan geeyay kooxdiisa in ay ka sareyso kooxda Basel isku dhibcana noqdaan kooxda Juventus, taas oo rajadoodu tahay in ay u gudbaan wareega sideeda kooxood isugu soo hadhayaan tartanka horyaalka Yurub.

Top


Malaga Yaabaa Bergkamp (Ciyaartoyga Aan Ku Safrin Diyaaradaha) Inuu Badbaadiyo Rajada Arsenel?

Ajax Vs Arsenal

London (AFP): Ciyaartoyga kooxda Arsenal ee aan ku safrin Diyaaradaha Dennis Bergkamp, ayaa u muuqda in loo diyaariyay inuu safar gaaban ugu baxo Yurub gudaheeda oo ay ciyaar la yeelanayaan Ajax ciyaar tartanka Horyaalka Yurub maanta.

Bergkamp oo ah weeraryahanka ugu wanaagsan kuwa lodkiisa ah ilaa iyo imika, ayaa mar keliya weligii safar diyaaradeed ugu baxay qaaradda Yurub gudaheeda, kadib markii uu bishii September safar diyaaradeed ku tegay Eindhoven, taas oo ay sabab u tahay isagoo ka baqa Diyaaradaha raacistooda.

Sidaa darteed, tababare Arsene Wenger oo toddobaadkan kooxdiisu 5-1 kaga adkaatay Manchester City ciyaaraha Premiership-ka, ayaa u baahan Dennis Bergkamp, iyadoo uu ka dhaawac yahay weeraryahanka reer Nayjeeriya Nwankwo Kanu, si uu ugu guulaysto ciyaartan oo ah wejigii labaad ee kooxaha Group B ee tartanka horyaalka Yurub. Waxaanay ciyaartii toddobaadkii hore e ay ku ciyaareen Highbury ku barbareeyeen kooxda Ajax 1-1.

Wenger, ayaa rajaynaya inuu weydiiyo Bergkamp inuu hore u diyaarsado safar dhulka ah oo uu ugu sii baxo Amsterdam. 

Arsenal, waxa ay u baahan tahay guul, si ay u hesho 8 dhibcood oo ay u hadheen laba ciyaarood, waxaanay taasi siinaysaa rajo wanaagsan oo ay ugu gudbi karto wareega quaterfinals-ka.

Valencia Vs Roma
Dhinaca kale kooxda AS Roma ayaa tegi doonta Valencia, iyadoo og in ay la kulmi doonto guuldaro kale oo gebi ahaanba ka reebi doonta tartanka horyaalka Yurub, kadib markii ay la kulantay Saddex guuldaro oo ah Saddex ciyaarood oo laga badiyay.
Kabtanka kooxda Roma, Francesco Totti, ayaa ka soo laabtay dhaawac dhabar ka gaadhay oo kooxda ula safri doonna dalka Spain, waxaanu xilliciyaareedkan ragaadiyay Totti dhaawacyo badan, isagoo ka maqnaa ciyaartii hore e ay gurigeeda kula ciyaartay Valencia lagagana badiyay 1-0 toddobaadkii hore.

Kooxda Valencia, ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta Group B, waxaana ka horeeya kooxaha Arsenal iyo Ajax oo ay wada leeyihiin min shan dhibcood balse ay xaga goolasha kaga horeeyaan.

Inter Milan Vs Barcelona
Ciyaartoyga khadka hore ka ciyaara ee Marc Overmars, ayaa ka maqnaan doonna ciyaarta ay Barcelona la yeelanayso Inter Milan maanta.

Overmars, waxa lagu bedelay Luis Enrique daqiiqadii 42aad ee ciyaartii ay Barcelona 4-0 kaga badisay Real Betis maalintii sabtidii.

Barcelona waxa ay 3-0 kaga adkaatay Inter Milan toddobaadkii hore, waxaanay kursi ka samaysateen wareega 8-da kooxood ee Horyaalka Yurub. 

Tababaraha Inter Milan, ayaa sheegay in ta keliya ee lagaga hortegi karo weerar Barcelona uu yahay difaac xoog badan.

Weeraryahanka Uruguay, Alvaro Recoba oo laga saaray ciyaartii hore ee Inter la ciyaartay Barcelona 10-daqiiqadood ka hor dhammaadkii ciyaarta, ayaa ka maqnaan doonna kooxda Inter Milan, iyo weliba difaacyahanka reer Colombia, Ivan Cordoba.
Sidoo kale, weeraryahanka amaahda ugu soo wareegay Inter, Gabriel Batistuta ayaan u ciyaari karin Inter, sababtoo ah waxa uu hore u metelay ciyaaraha Tartanka Horyaalka Yurub kooxda Roma oo uu hadda ammaah kaga soo wareegay, sidaa aawadeed mar labaad ma meteli karo koox kale isla tartankan.

Ciyaartoyda reer Argentina ee Hernan Crespo iyo Matias Almeyda, ayaa iyagu dhaawac kaga maqan kooxda Inter Milan.

Newcastle Vs Leverkuson
3-1 ay kaga badisay Newcastle kooxda Leverkuson toddobaadkii hore, ayaa soo nooleysay rajada Newcastle, waxaanay rajaynaysaa in ay sii wado oo ay ku celiso muuqaalkii ay ciyaartii hore la timid, iyadoo weliba gurigeeda kula ciyaari doonta.

Top