Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 278 February 28, 2003

Golaha Deegaanka Baki Oo Qaaday olole Daryeelka Deegaanka Ah

Baarlamaanka Somaliland Ma Horjoogsan Doonaa Qarda-Jeex sharci Iyo Ceebaha Farsamo Ee Ay Xambaarsan Tahay Miisaaniyadda 2003, Mise...?

Saraakiil Iyo Mas’uuliyiin Kasoo Goostay Maamulka C/laahi Yuusuf Oo Tafaasiil Ka bixiyey Ujeedada Ay Hargeysa U Yimaadeen

Warsaxaafadeed Xisbiga UCID

Somaliland Forum Oo C/Raxmaan Tuur Ugu Baaqday Inuu Cadeeyo Mawqifkiisa Gooni-Isutaaga Somaaliland

Dareenka Reer Boorama Ee Doorashadii Xisbiga Kulmiye

FAWSIYA YUSUF X. ADAM Iyo Dareenkeeda Go’aanadii Maxkamadda Sare

Sicirka saliida oo sare u kacay

Madaxweyne Sadaam Xuseen Oo Ka Digay Weerar Uu Maraykanku Ku Qaado Dalkiisa Ciraaq

Shir u Furmay Wasiirada Arrimaha Dibedda Ee Carabta

Iftiinka Islaamka

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Halaga Fiirsado Doorashada Madaxtinimada

Shirka Ururada bulshada ee Hargeysa ka socdaa muxuu kaga duwanyahay shirka Nairobi

Taageero Kulmiye

Hambalyo Taageero


Golaha Deegaanka Baki Oo Qaaday olole Daryeelka Deegaanka Ah 

Boorama, (Haatuf):- Golaha deegaanka degmada Baki oo ka mid degmooyinka gobolkan Awdal ayaa dhawaanta soo saaray go'aanno lagula dagaalamayo xaaluf iyo nabaadguurka waayadan kusii xoogeysanaya deegaankaasi. Sida uu sheegay xubin ka mid ah golaha deegaankaasi ayaa caddeeyey inay soo saareen go'aanno qoraal oo lagu wargelinayo dadweynaha ku nool deegaankaasi iyo ciddii kale ee hawl kale sida uu kusoo warramayo weriye Maxamed Cumar, go'aankaasi oo sheegeya in deegaanka laga xaaraantinnimeeyey jaridda geedaha, dhuxulaysiga iyo gubiddoodaba sidaa darteedna ciddii lagu arko, wuxu golaha deegaankasi caddeeyey inay mudan doonaan xadhig, ganaax iyo geedaha ama dhuxusha uu sito oo lagala wareego.Sida uu sheegay Nuux xuseen oo ka mid ah xubnahagolaha deegaanka Baki, waxa uu caddeeyey in go'aankani ka dambeyey markii waayadan la dareemay in dhuxulaysiga iyo jaridda geeduhu kusoo xoogeysteen deegaankaasi taasina ay keentay in kolonyo baabur ah loogusoo kireysto ganacsi dhuxuleed oo an caado u ahayn dadka deegaanka ,isla markaana ay caadaysteen wayadan dambe inay dadba ka dhigteen shaqo khasaare u kenaysa guud ahaanba deegaankaasi degmada Baki.go'aankani waa kii ugu horreeyey ee ay soo saaraan golayaasha deegaanka ee dhawaanta kusoo baxay doorashooyinkii bishii diisambar ee sannadkii hore, iyadoo degmadani tahay tan keli ah ee urursiyaasadeedka UDUB anu ku lahayn wax xubno ah, uguna badanyihiin xubnihiisa kuwa kasoo baxay Xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE.

Top


Baarlamaanka Somaliland Ma Horjoogsan Doonaa Qarda-Jeex sharci Iyo Ceebaha Farsamo Ee Ay Xambaarsan Tahay Miisaaniyadda 2003, Mise...?

Hargeysa (Haatuf) Miisaaniyadda dawladda Somaliland ee sanadkan aynu ku jirno ee 2003 ayaa lagu wadaa in sabtida berito la horkeeno golaha wakiilada si ay u ansixiyaan, sidaana waxa tibaaxay ilo xog-ogaal ah, iyadoo ay golaha wasiiraduna hore u soo ansixiyeen. Laakiin miisaaniyadani waxay xambaarsantahay dhaliilo farsamo iyo mad-madaw badan oo dhinaca sharciga ah, waxaana taagan su’aalo door ah oo la xidhiidha xaaladda miisaaniyada, kuwaas oo u baahan in laga bixiyo jawaabo waafiya. Hase yeeshee wargeyska Haatuf oo soo ururiyay xogo iyo macluumaad la xidhiidha arrimaha miisaaniyada ayaanu idiinka diyaarinay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan miisaaniyadda 2003 iyo macluumaadka ku tacaluqa, waana tan warbixintii:-

"Inta aynaan gaadhin xogaha iyo wararka wali dahsoon ee ku jira guntiga madaxda sare iyo maamulayaasha dhaqaalaha waxa lagama maarmaan ah inaynu woxoogaa ka iftiimino nabarada ka muuqda shaxda guud ee miisaaniyada aan weli la ansixin ee ay gacanta ku hayaan labada wiil ee gacalka ahi, iyadoo ay dhaliisha muuqataa saamaynaso ku talo galka dhinaca kharashka iyo dakhligaba.

Miisaaniyadda dawladda dhexe ee sanadkani waxay guud ahaan dhantahay 96,851,270,770,108/= (ku dhawaad 97 bilyan shilin) laakiin marka la eego sida loo qoondeeyay kharash ahaan waxay kala tahay 57,794,871,592 Sh. Sl (ku dhawaad 58 bilyan) waxa loo qorsheeyay mushahaarooyin iyo gunooyin. Sidoo kale 12,816,871,592 Sh, Sl (ku dhawaad 13 bilyan) waxa loo qorsheeyay raashinka ciidamada iyo 3,300,000,000 Sh. Sl (3.3 bilyan) lagu magacaabay gurmadka qaranka oo awoodeeda maamul hoos timaado madaxweynaha. Sidoo kale 3,250,000,000 Sh. Sl (3.25 bilyan) waxa loo qoondeeyay xafiiska madaxweynaha iyo sidoo kale 1,189,000,000, Sh. Sl (1.189 bilyan) waxa loo qoondeeyay xafiiska madaxweyne ku xigeenka iyo ugu dambayn 18,471,685,076 Sh. Sl (18.5 bilyan) oo loo qorsheeyay kharashaadka kale ee wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda, laakiin waxa xaashiyaha shaxda miisaaniyadda ka muuqda dheeli tir la’aan iyo kala badnaan dhinaca kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ah, kuwaas oo u baahan tafaasiil shilis, waayo waxa ka muuqata jaangoyn aad u kala badan, taas oo ugu yaraan laba mid uun noqon karta, inay tahay butuluqsi farsamo xumo iyo waayo aragnimo aqooneed la’aaneed oo aan loo miidaan dayin iyo inay tahay wax loo badheedhay oo cid gaar ah lagu naas nuujinayo. Tusaale ahaan ciidanka qaranka iyo ciidanka booliska haba yaraatee wax kharash ah looguma darin shaxda muujinaysa kharashaadka telefoonada, sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha waxa kharash telefoon loogu qoondeeyay 3,509,760 Sh. Sl (3.6 milyan), laakiin saddexdan hay’adood (ciidanka qaranka, asluubta iyo arrimaha gudaha) oo ka mid ah dhawrka hay’adood ee dalka ugu balaadhan, waxa dhinaca kharashaadka telefoonada ka kharash badan wasaaradda warshadaha 30,944,607 Sh. Sl (ku dhawaad 31 milyan).

Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha waxa kharash shidaal, istashanari iyo telefoono loogu qoondeeyay 86,758,110 Sh. Sl (ku dhawaad 86.8 Milyan), sidoo kale wasaaradda arrimaha dibada waxa saddexdan madax-xige (sub-head) looga qorsheeyay 100,944,607 Sh. Sl. iyo sidoo kale wasaaradda dib u dejinta oo saddexdan qodob looga qoondeeyay 58,312,000 Sh, Sl iyo sidoo kale wasaaradda ganacsiga oo saddexdan madax-xige looga qorsheeyay 79,737,192 Sh. Sl, laakiin afartan wasaaraddood marka la isku darro xaddiga kharashaadka looga qoondeeyay saddexdan madax-xige waxa isku le’eg ama ku dhaw hal wasaarad oo ah wasaaradda warfaafinta oo saddexdan madax-xige looga qoondeeyay ku dhawaad 311 milyan (310,995,000 Sh. Sl).

Tusaale kale haddii aynu soo qaadano lacagta kharashka shidaalka ugu qoran wasaaradda duulista hawada waxay dhantahay 313,52,000 Sh. Sl. Laakiin wasaaradda duulista hawadu kharashkeeda shidaalku waxa uu le’egyahay ama ku dhawyahay kharashka shidaalka loogu qoondeeyay ciidanka booliska dalka, oo ah wax ka yar 3.29 milyan. Sidoo kale lacagta wasaaradda maaliyada waxa kharash shidaal, telefoono iyo istashanari loogu qoondeeyay waxay le’egtahay ama ku dhawdahay ilaa shan hay’adood oo kuwa waaweyn ah, kuwaas oo kala ah wasaaradda gaashaandhiga, waxbarashada, caafimaadka, ciidanka qaranka iyo ciidanka asluubta.

Waxa kale oo iyana halkan ku lifaaqan shax muujinaysa waxa loo yaqaan biilasha taagan oo ah daynta lagu leeyahay hay’adaha dawladda, taasna waxa xaddiga ugu badan loo qorsheeyay labada wasaaradood ee kala ah warfaafinta iyo duulista hawada, taas oo ay wasaaradda warfaafinta ku qorantahay 165,351,073 Sh. Sl iyo duulista hawada oo ay ku qorantahay 339,407,079 Sh. Sl halka ay labada wasaaradood ee arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga oo ah labada wasaaradood ee ugu balaadhan aan wax dayn ah loo qorin sida ay muujinayso xaashida lagu shaxeeyay deynta, laakiin sida uu dheeligani ku yimid waa arrimaha tafsiirka sugan u baahan. Iyadoo tuhunka meesha iman karaa uu yahay inaanu kharashaadka caykaas ahi ahayn mid sax ah, balse loo qaadan karo godad wax lagu qarsanayo.

Waxa kale oo iyana miisaaniyadan ku jira lacag korodhsiimo mushahar ah oo ay leeyihiin baarlamaanku (Guurtida iyo Wakiilada) taas oo uu iyana tuhunku noqon karo inay lacagtan korodhsiimada ahi tahay dufan baarlamaanka lagu jiidhsiinayo miisaaniyada mad-madawga badani ka muuqdo ee la horkeenayo.

Waxa kale oo miisaaniyadan ka muuqda kharash korodhsiimo oo loogu talo galay kabka raashinka ciidamada, laakiin waxa taa ka sii horeeyay warar tibaaxaya inay wasaaradda maaliyadu isticmaashay kharashkii kabka raashinka ciidamada ee miisaaniyadii kal hore, iyadoo dhinaca kalena kharashka ugu badan ee ka muuqda shaxda korodhsiimada ay wasaaradda maaliyadu ku darsatay, halka wasaaraddo dhawr ah wax loo kordhiyo iska daayoo kharashaadkii miisaaniyadii kal hore ugu jiray wax laga sii jaray, sidaa darteedna waxa muuqda inaanay jaangoynta miisaaniyadu inta badan ka turjumayn baahiyaha jira.

Waxa kale oo iyana shaxda miisaaniyada aan ka muuqan kharashkii doorashooyinka fooda inagu soo haya ee madaxtooyada loogu talo galay, iyadoo aan dhinaca kalena shaxda miisaaniyada aanay ka muuqan xisaab xidhkii kharashkii doorashooyinkii dawladaha hoose ee miisaaniyadii 2002, iyadoo ay warar kalena tibaaxayaan in kharashkii doorashooyinkii ee miisaaniyadii kal hore aan loo samayn wax ku talo gal miisaaniyadeed ah (Supplementary Budget), sidaa darteed lama oga sida lacagtaa loo isticmaalay iyo dariiqa sharci ee la mariyay.

Marka laga yimaado mad-madawga ka muuqda jaangoynta kharashaadka miisaaniyada 2003 waxa iyana su’aalo ka taagan yihiin, una baahan in tafaasiil laga bixiyo halka iyo sida uu ku soo bixi doono mala-awaalka dakhliga ee miisaaniyada ee 2003, waayo tusaale ahaan shaxda guud ee mala-awaalka dakhliga waxa ka muuqda lacago lagu qoray madaaro xidhan oo aan shaqayn sida madaarka Berbera, Kalabaydh iyo Boorame. Sidoo kale waxa iyana tafaasiil u baahan meelo lagu qoray dakhli ka badan kii kal hore, tusaale ahaan Burco oo ay kal hore ka soo baxday lacag dhan 946,181,785 Sh. Sl waxa kalkan loo qorsheeyay inay ka soo baxdo 1,765,346,469 Sh. Sl taas oo laban laab ku dhaw, balse loo baahan yahay in tafsiir laga bixiyo waxa iska bedelay xaaladda dhaqaale ee magaalada Burco. Sidoo kale waaxda cashuuraha beriga ee wasaaradda maaliyada waxa shaxda guud ee miisaaniyada 2003 ka muuqda in dakhli ahaan laga filayo 13,057,866,178 Sh. Sl (in ka badan 13 milyan), halka ay cashuuraha beriga kal hore ka soo baxday lacag dhan 8,357,647,770 Sh. Sl, taas oo noqonaysa laba mala-awaal oo kala fog.

Sidoo kale dekedda Berbera waxa kal hore loo qorsheeyay inay wasaaradda maaliyadu ka hesho dakhli hal bilyan ah, balse dakhligaas oo baaqday ayaa haddana kalkan lagu qoray hal bilyan, taasina waxay u baahantahay in la tafsiiro waxa ay kaga duwantahay tii kal hore.

Waxa kale oo aan iyana ka muuqan miisaaniyadan dakhligii kabka dawladaha hoose ee ku talo galku ahaa in lagu gufeeyo kharashaadka doorashooyinka, iyadoo dhinaca kalena aanay warbixinta wasiirka maaliyada ka muuqan xisaab xidhkii dakhligii kabka dawladaha hoose ee sanadkii hore soo baxay iyo waliba lacag hadhaa ka ahayd dakhligii kabka dawladaha hoose ee miisaaniyadii 2001.

Waxa kale oo jirta inay madaxda maaliyadu warbixintooda ku lifaaqan shaxda guud ee miisaaniyada 2002, ku qirteen lacag gaadhaysa 16 bilyan oo shilin oo ah dakhli dheeraad ah oo soo baxay sanadkii 2002, isla markaana warbixintooda kuma ay xusin wax dayn ah oo ay galeen, laakiin sida ku cad xisaab xidh qabyo ah oo uu sameeyay xafiiska xisaabiyaha waxa sanadkii hore soo baxay 19 bilyan oo ah dakhli dheeraad ah (Surplus) iyo waliba 7.8 milyan dayn ah oo ay dawladdu ka gashay baanka.

Sidoo kale madaxda wasaaradda maaliyadu waxay warbixintooda ku xuseen inuu dakhligii kal hore soo baxay noqday lacag gaadhaysa 105 bilyan Sh. Sl, laakiin xisaabka xidhka qabyada ah ee xafiiska xisaabiyaha guud waxa ka muuqda inuu dakhligii kal hore soo baxay yahay 106 Bilyan, sidoo kale warbixinta wasaaradda maaliyada waxa lagu xusay in dhamaanba la isticmaalay kharashkii miisaaniyadii kal hore oo ahaa 88,852,000,000, Sh. Sl, laakiin sida ka muuqata xisaabka xidhka qabyada ah ee xafiiska xisaabiyaha guud kharashkii kal hore la isticmaalay wuxuu noqday 87,503,459,694 Sh. Sl waxaana halkaa baaqi ka ah 1.4 Bilyan, taasina waxay u baahantahay in tafsiir laga bixiyo halka wax iska dhaafsan yihiin iyo weliba in tafsiir laga bixiyo sharciyada loo maray isticmaalka dakhliga dheeraadka ka ah miisaaniyadii 2002, iyadoo u sharcigu dhigayo inaan la gali karin kharash aan sharci jidayn, loona baahnaa in inta aan la isticmaalin ka hor la soo sameeyo miisaaniyad qabyo ah oo ku saabsan dakhliga dheeraadka ah ee soo baxay.

Waxa kale oo jira qorshayaal dhinaca maaliyada ah oo loo fuliyay ama loo isticmaalay si qaynuunka dalka u yaal baal marsan, waayo tusaale ahaan madax-xige loo yaqaan gurmadka qaranka waxa uu sharcigu dhigayaa inaan wax lacag ah laga saari karin ilaa la gaadho bisha September, laakiin waxa dhacday in madax-xigaha lacag laga saaray bishii January 2003, sida ku cad waraaq ka soo baxday xafiiska wasiirka maaliyada 1-dii January 2003, xiligaas oo aan cidiba diyaarin miisaaniyadii 2003, laakiin talaabadaasi waxay u muuqataa mid sharciga baalmarsan oo loo badheedhay, iyadoo lacagtaas sifaha khasnada dawladda lagaga saaray uu yahay mid qayral sharci, isla markaana aan waafaqsanayn qaab xisaabeedka maaliyada, waayo lacagtaas oo xaddigeedu dhan yahay 20 milyan waxa khasnada lagaga saaray xaashi cad oo uu toos baanka ugu soo qoray wasiirka maaliyadu, iyadoo aan xataa la ogaysiin xafiiska xisaabiyaha guud, lacagtaasna waxa foodsaare looga dhigay in lagu dayac tirayo guriga wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale laakiin sida ay wararka qaar tibaaxayaan waxa la aaminsanyahay inuu wasiirka warfaafintu lacagtaa u isticmaalay kaanbaynkii samaynta xeer saxaafadeed iyo ololihiisii fara gelinta saxaafadda xorta ah, isagoo buuq iyo iska horkeen ka dhex abuuray beesha saxaafadda. Ta kale inay lacagtaasi ku baxday qaab ka duwan sida baanka lagaga saaray waxa markhaati u noqon karaya dhismaha guriga cusub ee madaxweyne ku xigeenka loo dhisayo, waxa lagu daray shaxda guud ee miisaaniyada 2003, balse lacagta lagu tilmaamay in lagu dayactiray guriga wasiirka warfaafinta haddii ay sidaa sax ku tahay maxaa loo dar-jiidhay hanaan xisaabeedkii maaliyada, sharcigana loogu jabiyay guri yar oo la dayactirayo.

Haddaba ugu horeyn waxa looga fadhiyaa masuuliyiinta maaliyada inay tafaasiil ka bixiyaan mad-madawga iyo raadadka musuqmaasuqu ka urayo ee ka muuqda hanaanka dhaqaalaha dawladda, haddii ay tahay dhinac sharci iyo haddii ay tahay farsamo maamulba. Sidoo kale waxa golaha wakiilada looga fadhiyaa inay hubiyaan dhaliilaha iyo turxaanta ka muuqata miisaaniyada lagu soo wado, taas oo looga baahanyahay inay waajibka ka saaran ilaalinta dhaqaalaha dalka sida uu yahay u gutaan, balse aanay kuwa xilka culus ee saaran dhaafsada dufan yar oo faraha loo mariyo, ka dibna marka waxoogaa sacabada loo saaro indha la’aan wax ku ansixiya, halkaana ummaddooda kaga gala jariimad wayn, iyadoo la aaminsan yahay inuu kalkan dhacay musuqmaasuqii ugu waynaa taariikhda geedi socodka hanaanka maaliyada dalka, balse waxaynu ka warsugaynaa inay wakiiladu noqdaan kuwa isticmaala awooda uu sharcigu u siiyay dabagalka iyo jaangoynta miisaaniyada dalka, sidaa darteedna si tifaftiran ula xisaabtama xukuumada gaar ahaan maamulayaasha dhaqaalaha iyo guud ahaanba masuul kasta oo wax ku leh awooda saxeexa maaliyada, ama haddii kale waxay noqon doonaan kuwo ay ku filaato waxoogaa sacabada loo saaray, ka dibna sidaa kaga sinaystay waajibkii cuslaa ee ay ahayd inay gutaan.

Top


Saraakiil Iyo Mas’uuliyiin Kasoo Goostay Maamulka C/laahi Yuusuf Oo Tafaasiil Ka bixiyey Ujeedada Ay Hargeysa U Yimaadeen 

"maamulka C/laahi Yuusuf wuxuu damacsan yahay inuu dagaal ka dhex-rido beelaha jaarka ah iyo" - shir-jaraa’id

Hargeysa (Haatuf) "Dabkii C/laahi Yuusuf gurigiisa ka shiday ma aha inuu Sool iyo Sanaag u soo raro, taana kama yeelayno" sidaa waxa yidhi Col: Axmed Xasan Guure oo horkacaya koox saraakiil ciidan iyo saraakiil rayid ah isugu jirta oo todobaadkan soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ka soo goosteen maamul goboleedka Puntland ee uu madaxda ka yahay Col: C/laahi Yuusuf oo ay ka tirsanaayeen.

Saraakiishani waxay sababta ay C/laahi Yuusuf uga soo goosteen kaga warameen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen hudheelka cuntada Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxayna sheegeen inay C/laahi Yuusuf ka soo goosteen ka dib markii ay ka wiswiseen hogaamintiisa dhinaca siyaasada iyo ciidamadaba, taas oo ay tilmaameen inuu C/laahi Yuusuf damacsanyahay inuu xiisadaha dagaal ee ka oogan gudaha deegaamada bariga Puntland u soo raro deegaamada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag.

Xubnahan oo ka kooban ilaa 5 xubnood waxay xilal kala duwan oo ciidan iyo kuwa maamulba ka hayeen maamul goboleedka Garoowe, laakiin madaxa kooxdan hogaaminaya Axmed Xasan Guure oo ka mid ahaa taliyayaasha ciidamada C/laahi Yuusuf, isaga oo ugu horeyn tafaasiil ka bixinaya sababta ay uga soo goosteen maamulka C/laahi Yuusuf wuxuu yidhi "Wax waliba way isbedelaan, qaanuunka mooyaane, qaanuunkaasina waa ka Ilaahay, waayo ilaahay isaga uun baa wax bedela, taasina waxay hordhac u tahay wixii su’aalo ah ee aad qabtaan" , laakiin waxa uu intaa ku sii daray "Anigu haddii aan idiin xogwaramo waxa aan ahaa taliyaha ciidamada C/laahi Yuusuf ee aaga gobolka Sool, waxaana xilkaa la ii magacaabay april 1999, isla markaana waxaan ahaa ninkii gobolka Sool ka aasaasay ciidamadii u horeeyay ee Puntland, ilaa iyo imikana xilkaa waan hayay, waxa kale oo aan ka mid ahaa dadkii aasaasay Puntland, laakiin waxay isweydiintu tahay haddii aan ahaa aasaasayaashii Puntland ama aan la dagaalamayay Somaliland maxaa haddeer I keenay Somaliland, iyadoo la odhan karo hawlo badan oo ka dhacay Sool kii ka soo horjeeday baan ahaa."

Axmed Xasan Guure isaga oo taa ka jawaabaya wuxuu yidhi "Socdaalkayagan Hargeysa aanu ku nimid laba qodob baa sabab u ahaa, ta hore markaan arkay in maamulka Puntland ay hay’adaha caalamiga wax ku bixinayaan magaca woqooyi bari, ee aanu aragnay inaanay hay’adaha caalamiga ah qorshaha puntland ugu jirin Sool iyo Sanaag Bari, ilayn nin waliba mar buu wax ogaadaayee iyo ta labaad oo ah markay muuqatay xaaladii siyaasadeed iyo ta askari ee puntland inay tahay wax aan maanta la saadaalin karin, markaas ayaanu ku tashanay anagoo saraakiil ciidan iyo maamul oo puntland ka tirsan ah ciidankayaguna yahay 600 askari inaanu kala soo baxno maamulka C/laahi Yuusuf, haddii ay siyaasadda C/laahi Yuusuf maanta tahay mid aan saadaalin karin, waxaanu ciidankayaga ugala soo baxnay iyadoo laga biqi inay dagaalada jiraa u soo gudbi karaan dhulka aanu u dhalanay ee deegaamada Sool iyo Sanaag, waliba si gaara uu dagaalkaasi uga dhici karo deegaanka aan anigu u dhashay reer ahaan, sida ay joornaaladuba sheegeena waxa ciidamo la keenay jiidaha Sarmaanyo, Fiqi Fuliye, Xudun, Awr-Boogays, jiidahaas oo sanadkii 1988-kii dagaal hore oo siyaasadeed ka dhacay, imikana waxaanu aragnay in maamulka C/laahi Yuusuf Damacsanyahay inuu dagaal ka alooso jiidahaa, markaas ayaanu anaga iyo ciidamadayaduba go’aan kaga soo baxnay maamulka ina Yey ee damacsan inuu dagaal siyaasadeed ka dhex rito jiidaas. Taas oo aanu isweydiinay dagaalkaasi inuu yahay mid aan waxba nalaga waydiin oo aan dadkayaga dani ugu jirin, ma gali kartaan ayaanu isweydiinay, jawaabtuna waxay noqotay maya, taas baana kaliftay inaanu ka soo baxno maamulka C/laahi Yuusuf oo aanu ciidankayaga kala soo wareegno."

Axmed Xasan Guure waxa kale oo uu yidhi "Cadhays oo aniga taliyahaygii ahaa, aniguna aan mar taliye u ahaa waxaan uga digayaa inuu ka saaro ciidanka uu dhigay Sarmaanyo iyo Fiqi-Fuliye, ciidankaas oo aan u dhalan dhulkaas, rabana inay dagaal sokeeye ka abuuraan, xaaladuna ay markaa ku noqoto tii 1988-kii, ta kale beesha deegaankaas ee ay ciidamadu soo degeen oo aan aniguna ka tirsanahay waxaan ugu baaqayaa inay ciidamada iska raraan, si aan wax iska horimaad ahi u iman mid siyaasadeed iyo mid kaleba, laakiin hadii uu dagaal ka dhaco jiidaa waxa masuuliyadeeda qaadi doona Colnel C/laahi Yuusuf, Colnel Cadhays, Colnel Goraya-Cawl, balse anigu ninka meesha ciidanka soo dejiyay iyadoo aan laga wada tashan, magacaabi maayee, isna masuuliyada wuu qaadayaa, balse shacabku wax eed ah ma qaadayo, haddiise ay kalifto inay ciidamadooda kala bixi waayaan jiidahaa in aanu anagu ciidamadayada u isticmaali doono, oo aanu gudaha ugu gali doono, oo aanu iska rari doono cidkasta ha keentee, dagaalka Qardho iyo Dhuudo ka socdana in Sool iyo Sanaag loo soo raro caqliga saliimka ahi ma yeelayo, waayo nabad galyadu waa raasamaal, markaa dabkii C/laahi Yuusuf gurigiisa ka shiday ma aha inuu u soo raro Sool iyo Sanaag, taana ma yeelayno."

Top


Warsaxaafadeed Xisbiga UCID

Hargeysa (Haatuf) Xisbiga UCID oo ka mid ah saddexda xisbi ee ku tartamaya doorashada madaxtinimada dalka ayaa doortay musharaxa xisbigaasi ee jagada madaxweyne ku xigeenka, maalintii doraad ee arbacadii jagadaasi oo loo doortay Axmed Cabdi Siciid oo ah gudoomiye ku xigenka xisbiga UCID, iyadoo uu musharaxa jagada madaxtinimada uu yahay Faysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga.

Warsaxaafadeed uu xisbigu arrintaa ka soo saarayna waxa uu u qornaa sidan:

"Iyadoo la tixraacayo go’aanadii golaha kalfadhigii dhexe ee xisbiga Daryeelka iyo cadaaladda (UCID) ee qabsoomay 8-dii jan, 2003, kaasi oo lagu dooranayay musharaxiinta u tartamaysa jagooyinkka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Iyadoo kalfadhiga lagu doortay tartamaha musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID, mudane Inj: Faysal Cali Waraabe oo keli ah.

Iyadoo tartamayaasha musharaxa madaxweyne ku xigeenkaa loo igmaday guddiga fulinta ee xisbiga UCID inay ka soo baaraadegaan, soona xulaan, ka dibna ay doortaan tartame, ayaa guddiga fulinta ee xisbiga UCID waxay yeesheen shirar iyo fadhiyo dhawr ah, oo ay arrintaasi ku lafogurayaan, waxay go’aansadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 25/02/03 in mudane Axmed Cabdi Siciid gudoomiye ku xigeenkii xisbiga UCID inuu noqdo musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka u tartamaya doorashada foodda inagu soo haysa bisha Abril 14-keeda ee xisbiga UCID."

Top


Somaliland Forum Oo C/Raxmaan Tuur Ugu Baaqday Inuu Cadeeyo Mawqifkiisa Gooni-Isutaaga Somaaliland

Hargeysa (Haatuf): Ururka qurba-jooga ee Somaliland Forum ayaa ugu baaqay madaxweynihii hore ee Somaliland, Md. C/raxmaan Axmed Cali (Tuur), inuu caddeeyo mawqifkiisa ku aadan gooni isu-taaga Somaliland, maadaama uu dalkiisii dib ugu soo laabtay haatan, taas oo ay soo dhoweeyeen inuu C/raxmaan Axmed Cali dalkiisa dib ugu soo laabto, balse waxa ay tilmaameen sida ay lagama maarmaan u tahay inuu caddeeyo mawqifkiisa oo uu haatan mugdi ku jiro.

Dhambaal qoraal ah oo ay nasoo gaadhsiiyeen Somaliland Forum, wuxuu u qornaa sidan:

"Waxa aynu ka warqabnaa inu dhawaan dalka kusoo laabtay Mudane Cabdiraxman Axmed Cali oo dalka dibadda kaga maqnaa muddo 10 sannadood ah. Mudane Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland markii ay la soo noqotay xornimadeeda bishii May 1991. Nasiib darro Cabdiraxman waxa intaa u raacda inuu 1993 gii magaalada Addis Ababa kaga dhawaaqay inuu ka noqday go'aankii ummaddu qaadattay isla markaana uu daffiray jiritaanka Somaliland, arrintaas oo 
naxdin iyo filanwaa ku noqottay dadweynaha reer Somaliland in Madaxweynahoodii sharafta ka mudnaa uu daffiro jiritaanka dalkiisa kana doorbido M/Weyne ku-xigeen dawlad shisheeye ah. 

Haddii aannu nahay ururka Somaliland Forum ee ay ku bahoobeen qurbo-jooga reer Somaliland, annaga oo ogsoon inu muwaadin kastaa xaq u leeyahay ku soo noqoshada dalkiisa , ayaa haddana waxa muran iyo shaki badan keentay; anagana fajac iyo amakaag nagu noqotay soo dhoweynta Wasiiradda xukuumadda ka tirsan ay kala hortageen Mudane cabdiraxmaan Axmed Cali markii uu kasoo degay garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa, iyada oo mawqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan Somaliland wali mugdi ku jiro. 

Waxa kale oo aanu ka biyo diidney qaabilaada iyo soo dhoweynta rasmiga ah ee mas'uuliyiinta dawladda, golayaasha qaranka iyo qaar ka mid ah axsaabta mucaaridka ahi u soo dhaweeyeen tii oo aan Cabdiraxman wali laga hayn wax caddaynaya inu ka noqday amma ka tanaasulay mawqifkii uu ka taagnaa Somaliland iyo siyaasaddii federal-ka ahayd ee uu aamminsanaa. 

Annaga oo aad ugu faraxsan soona dhaweynayna soo guryo noqoshada siyaasiyiinta Somaliland ee dalka ka maqnaa ee soo qulqulaya, ku horreeyay iyo ku danbeeyayba, ayaa waxaannu aad ugu farxi lahayn haddii uu Mudane Cabdiraxman Axmed Cali oo miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay laga wada dheregsanyahay uu caddeeyo mawqifkiisa siyaasadeed ee ku aaddan jiritaanka Somaliland kana-noqdo mawqifkii uu hore uga taagnaa oo ahaa mid aad uga fog himilada guud ee dadweynaha reer Somaliland. Laakiin sida aannu kor ku xusnay arrintaasi waa arrin ilaa immika mugdi ku jiro. 

Waxa aannu isla markaa xisbiyada qaranka ee ku loollamaya doorashooyinka ugu baaqaynaa inaan olole siyaasadeed wax-walba laga hormarin ee arrimaha danta wadanku ku jiraan oo dhan ay ka hadlaan. 

Waxannu rajaynaynaa inad nala fahmi doontaan in ujeeddada dhanbaalkani uu yahay mid ku aroora maslaxadda dalkeenna oo ka bilaabanta xurmaynta ay leedahay jiritaanka Somaliland.

SOMALILAND FORUM
Contact: 
Europe: Dahir A. Jama, Chairman chair@somalilandforum.com 
Middle east: Ahmed H. Ismail, Vice-Chairman vicechair@somalilandforum.com 
North America : Omer A Hassan : EC Member 
xubin@somalilandforum.com

Top


Dareenka Reer Boorama Ee Doorashadii Xisbiga Kulmiye

Faallo- Maxamed Cumar sheekh 

Shan maalmood ka hore dadweynaha reer Boorama ayaa badankoodu waxay hadal hayeen isbeddel la dareemi karo oo ku dhacay labada Urur Siyaasadeed ee KULMIYE iyo ASAD. Inkastoo warkani ahaa mid ku tidhi ku teen ah oo laga keenay Hargeysa maahayn mid ay ka muujiyeen dareen,waxayna hoos u dhigayeen quusta ay qabaan in xukuumad tan maata dhaantaayi iman doonto warkanna ay u arkayeen mid dad doonayaa inay dib u dhisaan niyadda urursiyaasadeedka ASAD AY Boorama kusoo dhex tuureen. Waxa kale oo ay siyaasiyiinta qaarkood u sheegeyen dadweynaha in labadaa ururba ay ka koobanyihiin madax iyo xubno u eg laba boqor oo wata dameer mid kastaa doonayo inuu kan kale u kaxeeyo kan kalena uu fuulo,sidaa darteedna ay isla fadhiisan karaan. Kaddib markii shalay aysoo galeen wargeysyada kaso baxa Hargeysa magaalada Boorama ayaa waxa laga dareemay dareen kala duwan oo isugu jiray farxad, cadho iyo muran siyaasadeed oo hor leh.Dad badan ayaa waxay isku qanciyeen in haatan la gaadhay wakhtigii xukuumaddan la iska qaban lahaa maadaama dibudhac mooyee aanay jirin wax horumar ahi.Tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegeya in madaxweyne kuxigeenki hore u ku biiray urursiyaasadeedka KULMIYE, waxa markii ugu horreysay xafiska HAATUF ee Boorama soo gaadhay dhambaaladii tahniyadda ahaa ee ugu horreeyey musharrax jagadaasi reer Boorama uu loollama waxaa kale oo dhacay wax u eg fantasiye shaah faro badan taageerayaal u shubayeen dad anay garanayn. Waxaasoo dhammi waxay dhaceen wakhti aan la ogeyn rajada KULMIYE, waxanad mooddaa inay isa siiyeen soo bixitaanka wareegga ugudambeeya ee hoggaanka dalka. 

Dad an waraystay oo isugu jiray muxaafid iyo mucaarad ayaa bixiyey dareen kala duwan.Cabdirashid Cabdi 26 jir ah ayaa yidhi "hadda uunbaa loo yaabaa dalka sow nimankii SNM ee an iska ilaalinaynay iskuma shuban",mid kale oo la yidhaa xirsi maxamed ayaa isaguna yidhi " mar haddii madaxweyne ku xigeenkii hore soo galay meesha silaanyo maanta uun buu cidhiidhi gelinayaa dawladdeennii",mid kale ayaa isagu si kulul uga hadlay waxana la yidhaa cali Boon "Jabhadaha kale ee Afrikaanku markay guusha helaan dalka iyaguunbaa xukuma bal eeg simbaabwi,Yugaandha,laybeeriya iyo kuwa kaleba maxaa kuwan dalbaan xoreynay leh loo eryeneyaa oo dad an dalka usoo dagaalamin xukunka loogu dhiibay 'marka horeba." Mid kale ayaa yidhi oo la yidhaa colaad dhoorree 40 jir ah "isla markaana siduu sheegtay KULMIYE taageera" Bal eeg Siilaanyo wuxuu samaynayo oo dhan 00ayuu yidhi soo kala hadha intuu kuyuu geliyey." Nin kale oo la yidhaa Cali Geelle kana mid ahaa taageeraayaasha UCID ayaa yidhi " inkastoo anan ahayn Kulimiye, ma waxa aragtay Xusbi dad kusoo dhinteen oo xoolahoodii ku bixiyeen oo markii ay soo baxeen aayar uun dhan kale lagaga yimi oo lala wareegay xusbigoodii". Hadaladaa iyo kuwa kale oo la mid ah ayaa yaalla halkan tan iyo shalay. Arrinta meesha ku cusub ayaa waxay tahay xukuumadda talada haysa oo dadka ku nool gobolkan ku beer laxowsata SNM baa soo socota,ayaad mooddaa inay kala fogeysay ra'yigii reer Boorama ee iskusoo dhawaa, UDUBna ku ololaynaysay " ma innagoo haysanna meeshi u sarraysay ayaa doorannaa meela hoose" reer Booramana waxay ugu necebyihiin maqalka ereyada xasuuqa, SNM, halgankii iyo faqash iyagoo u qaata in iyaga loola jeedo inkastoo beel kasta oo reer soomaaliland ah oo gashay dagaalki sokeeye shirkii Boorama la isku saamaxay balse reer Boorama weli ay kaga dheggentahay halkii hore.

Ugu dambayntii arrintan madaxweyne ku xigeenkii hore iyo Kulmiye waxay taageeridiisa u arkaan dawo qadhaad oo ay u liqayaan si ay uga bogsadaan rajoxumada,iyo burburka laga yaabo inuu dhaco haddii xukuumadda talada haysa si musumaasuq ah isku daydo inay xukunka kusii haysato.Inkastoo an la ogeyn waxa kasoo bixi doona tartanka doorashooyinka Abril waxad mooddaa in dadka deegaankan Boorama sheegtaa ku guulaysan doonaan, inkastoo Cabdiraxmaan Aw Cali uu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee reer Boorama kaga jira SNM anay u oggolayn in cid kale halkan ka sheegato ereyada an soo sheegnay. Labadii casho ee ugu dambaysay ee ay soo baxeen labada musharrax ee ugu saarreeya Kulmiye markii loogu codeeyey shirweyninii ururka ee 25kii bishan waxad mooddaa inay arrimahani kor usoo qaadeen niyadda qaybaha reer Boorama ee kasoo horjeeda siyaasadaha xukuumadda madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,oo xitaa isku qanciciyey inaan doorashaba loo baahnayn, oo xukuumad uun KULMIYE sidaa kusoo dhiso.

Top


FAWSIYA YUSUF X. ADAM Iyo Dareenkeeda Go’aanadii Maxkamadda Sare

Hargeysa (Haatuf): Foosiya Yuusuf X. Aadam oo ka mid ah shakhsiyaad madax-bannaan oo cadeeyay inay isku soo sharaxayaan tartanka doorashada madaxtinimada dalka ayaa ka biyo-diiday go’aano iyo shuruudo ku saabsan cida isku soo sharaxaysa doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo lagu wado inay dalka ka dhacdo 14-ka bisha April ee soo socota.

Warsaxaafadeed ay Foosiya Yuusuf, arrintaa kasoo saartay isaga oo faahfaahsan wuxuu u qornaa sidan:

"Sida aad maqasheen Maxkamadda Sare ee dalka JSL waxa ay shalay ku dhawaaqday in dadkii ahaa musharaxiinta madaxa bannan laga xakameeyey doorashada Madaxweyaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dalka ee dhacaysa 14ka April 2oo3. Arrintaas oo meel ka dhac ku ah xuquuqda uu Dastuurka Dalku u siinayo in muwaadinku xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto. Sida ku cad dasturka qaranka qodobka 22aad ee ka hadlaya xuquuqda siyaasadeed iyo xaqa doorashada kaas oo u dhigan sidan: 

  1. Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo howl aha siyaasadeed, dhaqaale, Bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerka iyo Dastuurka. 

  2. Muwaadin kastaa oo buuxiya shuruudaha xeerku uu tilmaamayo waxaa xaq u Leeyahay in La doorto waxna uu doorto, uu sharuudahaas uu xusayo qodobka 22aad ee dastuurku waxay ku qeexan yihiin qodobka 82aad oo ka had1aya sharuudaha qofka loo dooranayo Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen, kaas oo ka kooban 9 faqradood oo aanay ku jirin dhamaantood wax iga hor-joogsanaya in aan isu goo sharaxo si madax banaan.

Marka aynu aragno qodobka 83aad ee Dastuurka J.S.L oo ka hadlaya habka doorashada faqradiisa 4aad waxaa ku cad sidan soo socota oo muujinaysa in aan doorashada Madaxtooyadu u xidhneyn qof xisbi ku yimid oo kaliya, qodob kaas oo udhigan sidan soo socota: 

"Waxaa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaaxwaynaha ku guuleysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha cododka ugu tirada badan". 

Qodobka 128aad, faqradiisa 2aad waxaa ku cad sidan:

  1. "Dastuurka ayaa ugu sareeya xeerka. Dalka, xeerkasta oo aan isaga waafaqsaneynina waxaa uu noqonayaa waxba kama jiraan". Nuruxka qodobkan 128aad waxaa uu meesha ka saaraya labada qodob ee sida khaldan loogu cuskanayo go'aanka Maxkamada sare. 

Waxaa hadaba isweydiin leh maxaa ku kalifay Maxkamadii sare ee Dalka oo ah Hay'adii garsoorka ee ugu sareysay JSL isla markaana ah Maxkamadii Dastuuriga ahayd in ay burburiso oo ku tumato Dastuurkii iyo sharuucdii Dalka iyo xuquuqdii muwaadinka ee ay u dhisnayd ilaalintiisa iyo adkeyntiisa. 

Waxaa halkaas kucad in daaqada laga tuuray Dastuurkii iyo shuruucdii Dalka iyada oo awood la'isticmaalay, markay muuqatay sida wayn ee aan Doorashadaas ugu soo bixi lahaa hadii aan layga horjoogsan, iyadoo oo markaa la fulinayo go'aankii kasoo baxay xisbiga UDUB ee ahaa in musharaxiintu ka iman karto saddexdaas xisbi oo kaliya. 

Hadaba hadii aan doorashadaas galo oo aan ku guulaysto waxa ii qorshaysneyd in aan Dalkan gaadhsiiyo horumar dagdag ah oo dhinac walba ah, sidii aan horayba dadaal dheer ugu soo galay horumarinta dalkeyga aniga oo aan maantana u'iman damac kursi hase yeeshee doonayeey in aan Dalka wax uqabto sida ku cad bamaamijkeygan hoos ku qoran:- 

  1. In aan u bawl galo sidii Dalkani u heli lahaa ictiraaf dag dag ah. 

  2. In la gaadhsiiyo maamulka dhamaan Gobalada iyo Dagmooyinka Dalka. 

  3. In la adkeeyo nabad gelyada Dalka iyada oo la xoojinayo Hay'adaha nabadgelyada & Ciidanka Qaranka. 

  4. In la dhawro Madax banaanida Hay'adaha garsoorka ee Dalka lana adkeeyo cadaalada iyo xuquuqda muwaadiniinta JSL. 

  5. In lagaadhsiiyo adeega caafimaadka, tacliinta, hoose, dhexe iyo sare oo ah mid tayo leh oo lacag la'aan ah Dalka oo dhan. 

  6. In laxoojiyo xidhiidhka dibada lana soo jiido maal galin shisheeye.

  7. In aan xoog saaro sidii bulshada 'l,oogu abuuri lahaa shaqooyin sida dhalinyarada, haweenka, mujaahidiinta iyo danyarta, isla markaana kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfadahooda. 

  8. In la abuuro qorshe iyo mashaariic lagu daryeelayo agoomaha iyo naafada, caruurta suuqyada daadsan iyo dadka tabaalaysan. 

  9. In la hirgaliyo mashaariicda horumarineed ee ka faa'iidaysiga ilaha dhaqaalaha ee Dalkeena sida macdanta, kheyraadka bada wax soo saarka beeraha, xoolaha-nool, iyo in lasameeyo xarumo cilmi baadhiseed oo ku takhasusa qaybahaas kor ku xusan.

  10. In la abuuro mashaariic dib u dhis iyo horumarineed siiba dhinacyada is gaadhsiinta wadooyinka, Biyaha, ilaalinta deeganka iyo khayraadka badeena iyo ka faa'iidaysiga tamarta.

Waxaa aan ugu danbeyntii aad ugu mahadnaqayaa dadweynahii faraha badnaa ee itaageeray ina siiyey kalsoonida iyo dhiirigalinta badan Dalka gudahiisa iyo Dibadiisaba kuwaas oo ka koobnaa:- Salaadiin, Cuqaal, Odayaal, Haween, Dhalinyaro iyo Aqoonyahano kala duwan, waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqay saxaafadda Somaliland oo isiisay furs ad aan kula hadlo dadkeyga (Dadwaynaha). Waxa aan ugu danbeyn u sheegayaa Dadkeyga iyo Dalkaygaba in aan wadi doono dadaalkii horumarineed iyo kaalintii waxqabad ee aan mar walba ugujiray. 

Sida la'ogyahay Siyaasada iyo hogaanka toosani waa sida kaliya ee wax lagaga qaban karo horumartinta bulshada, sidaa awgeed waxaan idiin sheegayaa in aan sii wadi doono oo aanan ka bixi doonin howlaha siyaasadeed."

Top


Sicirka saliida oo sare u kacay

Vienna (W.Wararka) - Sicirka saliida qaydhin ayaa sare u kacay suuqyada Caalamka, kaas oo gaadhay heerkii ugu sarreeyay muddo toban sannadood ah, taas oo ka dhalatay cabsida laga qabo weerar lagu qaado dalka Ciraaq.

Sicirka Saliida oo gaadhay $33.49 dollar, halkii foosto, waxa uu maalin kahor taagnaa $33.07 dollar, taas oo ah sare u kac weyn oo maalin keliya ku yimid suuqyada Caalamka ee saliida. Balse sicirka saliidu waxa uu si aad ah sare ugu sii kacay gudaha Maraykanka oo uu gaadhay $41.15, taas oo ah heerkii ugu sareeyay ee sicirka saliidu gaadho ilaa 1990-kii.

Xoghayaha guud ee ururka OPEC ee dalalka saliida soo saara ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah ururku aanay diyaar u ahayn inay saliida u adeegsadaan hub ay kula dagaalamaan Maraykanka haddii uu weerar ku qaado Ciraaq.

Hadalkani waxa uu ka dambeeyay iyadoo dalalka xubnaha ka ah ururka dalalka islaamku ay soo jeediyen inay saliida u adeegsan karaan hub ay ku taageeraan mawqifka dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Ruushka ee kahorjeeda weerar lagu qaado Ciraaq.

Xoghayaha guud ee OPEC oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray in ururku uu hayo kayd farabadan oo gaadhaya 4 malyuun oo foosto, oo ay ugu talogaleen in lagaga gaashaanto haddii khatar dhinaca sicirka ahi ay soo wajahdo suuqyada Caalamka.

Sicirka saliida ee sare u kacay waxa uu ka dhashay xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Ciraaq oo gaadhsiisay heerkii ugu sareeyay sicirka saliida muddo ku dhow 12 sanadood, balse xoghayaha guud waxa uu sheegay in wax-soosaarka dalalka OPEC uu kordhay 1.5 malyuun oo foosto maalintii laga soo bilaabo bishii December, taas oo ay ugu talogaleen inay wax kaga qabtaan haddii la burburiyo wax-soosaarka saliida ee dalka Ciraaq, waxaanu cadeeyay in sicirka sare u kacay aanu waxba u dhimaynin wax-soosaarkooda, balse ay sii wadayaan dedaalkooda ku wajahan in arrintaasi xal loo helo.

Saliida ayaa u muuqata inay haatan noqotay hubka ay dalal badani u adeegsanayaan si looga hortago weerar lagu uu Maraykanku ku qaado Ciraaq, waxyeelada ugu weyn ee arrintana waxay kasoo gaadhay dalka Maraykanka oo haatan isticmaalaya keydkiisa dhinaca saliida oo la sheegay haatan inuu gaadhay heerkii ugu hooseeyay muddo ka badan 12 sannadood, laga soo bilaabo 1991-kii, waxa khalkhal galay qaabka iyo sicirka saliida oo sare iyo hoos u kac u dhaxeeyay, taas oo waxyeelo weyn soo gaadhsiisay dhaqaalaha dalal badan oo ku tiirsan iib-geynta saliida caydhin.

Top


Madaxweyne Sadaam Xuseen Oo Ka Digay Weerar Uu Maraykanku Ku Qaado Dalkiisa Ciraaq

Baghdad (W.Wararka) - Madaxweynaha dalka Ciraaq, Sadaam Xuseen ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii uu Maraykanku weerar ku qaado dalkiisa, isagoo ku booriyay shacbigiisa inay u diyaar-garoobaan waxkasta oo ka dhalan kara weerar lagu soo qaado iyo inay qotaan dhufaysyo ay kaga gaashaantaan gantaalaha iyo weerarada lala maagan yahay.

Sidaa wuxuu ka sheegay Sadaam Xuseen mar uu la hadlayay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dalkiisamaalintii shalay si loogu diyaar-garoobo hujuun kaga yimaada dhinaca Maraykanka. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in dhammaan qalabka miletariga heegan la geliyo diyaarna ay u ahaadaan difaaca dalkooda.

Madaxweyne Sadaam Xuseen waxa uu intaa ku daray in Ciraaq ay khibrad iyo waayo-aragnimo ballaadhan ay ka kasbatay dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii, si ay ugu dhigaan casharo xoogaga shisheeyaha ee isku daya inay soo galaan dalkiisa, balse meesha kamuu saarin in arrinta taagan lagu dhammeeyo xal nabadeed si looga fursado dagaal dhaca.

Hadalkan kahor Madaxweyne Sadaam Xuseen waxa uu sheegay isagoo u warramayay telefishanka Maraykanka CBS in aanu marna ka baxaynin dalkiisa haddii wax kastaa dhacaan oo ku dhiman doono gudaha Ciraaq haddii lagu khasbo.

Waxa uu taa kaga jawaabayay warar beryahan dambe soo baxayay oo sheegayay inuu Sadaam Xuseen diyaar u yahay in uu dalkiisa dibedda uga cararo haddii weerar lagu qaado, iyadoo ay dawlado badana u soo jeediyeen arrintaasi, qaarkoodna ay u fidiyeen baaq soo dhoweyn magan-gelyo ah haddii uu u baahdo Sadaam Xuseen.

Arrintani waxay kusoo beegantay iyadoo uu Madaxweynaha Maraykanku maalintii shalay ka hadlay xaaladda Ciraaq oo uu sheegay inay ka go’an tahay in weerar lagu qaado Ciraaq iyo in kursiga laga tuuro Sadaam Xuseen. Waxa kaloo uu ka hadlay qorshaha Maraykanka ee ku wajahan marka Sadam Xuseen meesha ka baxo, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay maamul dimuqraadi ah oo laga dhiso Ciraaq, Sadaam debadii, isagoo intaa ku daray in ciidamada Maraykanku ay sii joogi doonaan Ciraaq marka meesha ay ka saaran maamulka Sadaam Xuseen.

Waxa kale oo uu sheegay inaanay marnaba qorshaha ugu jirin in Maraykanku bililiqaysto khayraadka dalka Ciraaq, balse ay u jeedaan inay dalka ka dhisaan maamul dimuqraadi ah.

Hadalladan la isweydaarsaday waxay kusoo beegmeen iyadoo weli ay aloosan tahay xiisadda Ciraaq oo aan loo helin xal diblomaasiyadeed.

Dawladda Ingiriiska oo ku raacsan Maraykanka qorshaha dagaalka lagu qaado Ciraaq ayaa iyaduna taageero u sii fidisay qorshahaas kadib markii golaha Baarlamaanka ee dalkaasi uu taageeray qorshaha Dawladda ee ah in la weeraro dalka Ciraaq ama laga dhigo hubka halista ah.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska, Tony Blair oo arrintan ka hadlayay ayaa difaacay mawqifka xukuumadiisa ee ku wajahan xiisadda Ciraaq isagoo intaa ku daray in dawladdiisu ay ku kalsoon tahay inay ku guulaysan doonaan iyaga iyo Maraykanku hindisahooda ku wajahan weerarka Ciraaq oo ay haatan hordhigeen G. Ammaanka ee Q. Midoobay, inkastoo ay jiraan dawlado farabadan oo arrintaasi aad uga soo horjeedaa.

Dawladda Ruushka ayaa dhinaceeda muujisay sida ay u diidan tahay qorshe kasta oo dhigaya ama fasaxaya weerar lagu qaado Ciraaq, meel kasta oo ay tahay.

Sidaasoo kale waxa sheegay Ra’iisal-wasaaraha Jarmalka, kadib markii ay u dhammaatay booqasho uu ku tegay magaalada Moscow.

Dhinaca kale, Dawladda Turkiga ayaan ilaa hadda mawqif sugan kasoo saarin waxa ay ka yeelayso Maraykanka oo codsanaya in ciidamo fara badan la geeyo dalkaasi, si ay uga qaybqaataan weerar lagu qaado Ciraaq, waxaana arrintaas ku muransan oo aan ilaa hadda isla meel-dhigin Baarlamaanka Turkiga oo ay ka codsatay Dawladda dalkaasi inuu fasaxo in ciidamada Maraykanku ay isticmaalaan dhulka Turkiga.

Top


Shir u Furmay Wasiirada Arrimaha Dibedda Ee Carabta

Sharma-Sheikh (W.Wararka) - Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa maalintii shalay shir gogol-xaadh ahi uga bilaabmay degmada Sharma-Sheikh ee dalka Masar, si ay u sii diyaariyaan shirka la filayo in maalinta berri uu halkaasi uga bilaabmo Madaxda dalalka Carabta.

Shirkan oo ah mid deg-deg ah oo uu ku baaqay Madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubaarak, waxa la filayaa in qadiyadda ugu weyn ee ay shirkaa kaga wada-hadlaan ay noqoto mawqif midaysan oo ay Madaxda Carabtu ka yeeshaan xiisadda dalka Ciraaq iyo sidii looga hortegi lahaa weerar lagu qaado, taasoo ay ka cabsi qabaan inay gil-gisho degenaanshaha iyo ammaanka gobolkaas oo dhan.

Shirkani waxa uu suurtogalay markii ay Madaxda Carabtu ku guulaysteen inay isla meel-dhigaan qabashada shirkaasi oo uu markii hore khilaaf weyni ka dhashay kadib markii ay Ciraaq dalbatay in shirkaa dib loo dhigo.

Wakiilada joogtada ah ee dalalka Carabta u fadhiya jaamacadda Carabta ayaa iyaguna isla shalay soo gebogebeeyay shir gogol-dhig ahaa oo ay ku lahaayeen halkaasi, iyagoo oo soo saaray qorshe lix arrimood ka kooban oo ay ka mid yihiin qaar ka hadlaya xaaladda Ciraaq iyo dhibaatada reer Falastiin, arrimahaas oo ay ka wadahadlayaan wasiirada arrimaha Dibeddu inta aanay iyaguna u gudbinin Madaxda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Axmed Maahir oo u warramayay suxufiyiinta ayaa sheegay maalintii shalay in dalalka Carabtu ay u guntanayaan wax kasta oo lagaga hortegi karo dagaal dhaca, isagoo ku baaqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in isku duubni laga yeesho xaaladda Ciraaq iyo sidii looga hortegi lahaa weerar lagu qaado. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ugu baaqay dhinacyada ay khusayso arrintaasi inay ixtiraamaan qawaaniinta caalamiga ah, balse waxa uu ka gaabsaday inay taageerayaan qorshaha Faransiiska iyo Jarmalka ee kahorjeeda in xoog miletari loo adeegsado xaaladda Ciraaq.

Waxa lagu wadaa in dhammaan Madaxda Carabtu ama badankoodu ay taageeri doonaan fikradda kahorjeeda weerar lagu qaado Ciraaq iyo in arrintaasi xallinteeda lagu dhammeeyo dariiqa diblomaasiyadda.

Top


Iftiinka Islaamka

SICIID GURAASE

UMMU SALAMA

Ummu Salama magaceedu waxaa la odhan jiray Hinda, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u deeqsi. 

Ummu Salama ninkeeda waxaa la odhan jiray Cabdillaahi Binu Cabdil-Asadi oo ka mid ahaa tobankii nin ee goor hore qaatay diinta Islaamka, oo waxaaba isaga hortiisa islaamay oo keliya Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale aan saa u badnayn. Ummu Salama, waxay la islaamtay ninkeeda Cadullaahi Binu Cadil-Asadi, waxayna ahayd sida ninkeeda oo kale oo wakhti hore ayeey iyadana islaamtay. 

Islaamidda ay soo islaameen Ummu Salama iyo ninkeeda Cabdullahi ayaa gaadhay gaaladii Qureysh., sidii marka horeba laga filayay Qureysh waxay bilaabeen inay jidh dil daran ku sameeyaan Ummu Salama iyo ninkeeda, hase ahaatee ma aynan tabar daraynin oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi. Balse, waxay ka sii siyaadsadeen ku kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan Eebe (sw). Dhibaatadii Qureysh ay ku hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay badatay, ayaa Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday Asxaabta inay u haajiraan oo u cararaan dhulka Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeeda waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee u haajira dhulka Xabashida. 

Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u kicitimeen dhulkii qurbaha. Ummu Salama, waxay magaalada Makka kaga carartay gurigeedii dabaqa ahaa, maalkeedii iyo wixii ay hanti ay lahayd oo dhan, iyadoo sidaa u sameynaysa inay ku dhaafsato jidka Alle, iyo inuu Illaah abaal ahaan u siiyo Jannadiisa maalinta aakhiro. 

Ummu Salama iyo ninkeedii waxay yimaadeen dhulka Xabasha, iyagoo magangalyo ka helay boqorkii Najaashi Allaha ka raalli noqdee. In kastoo Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka magangeliyay cabsidii ay ka soo carareen, haddana waxay aad xiiso weyn ugu qabeen ku noqoshada magaalada Makka oo ahayd meeshii uu waxyiga ku soo degayay, sidoo kale waa meeshii Rasuulka (scw) saldhiga u ahayd. 

Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa, ayaa waxaa soo gaadhay war sheegayay in tirada Muslimiinta joogta Makka ay aad u bateen, sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu ahaa kuwo ay qureysh ka haybaysato. Qaar ka mid ahaa muslimiintii ayaa go’aan ku gaadhay inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba xiiso weyn ugu qabay magaalada Makka. 

Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku soo laabtay magaalada Makka. Muslimiintii markii ay yimaadeen Makka, ayaa waxay ogaadeen in warkii loo sheegay aanu ahayn sidii loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay dhibaato ka weyn tii hore ay kala kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu fidneeyay jidhdilka iyo cabsi gelinta muslimiinta, waxay u geysteen dhibaato ayaan hore ugu geysan. Rasuulka (scw) markuu arkay xaaladdaas qadhaadh ee qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray inay mar kale u haajiraan, iyagoo u hijroonaya magaalada Maddiina.

Ummu Salama mar kale waxay go’aansatay inay ka mid noqoto dadka u hijroonaya Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo inay ka badbaadaan dhibaatooyinka qureysh. Hijradan danbe ma ahayn mid sahlan, sida hijradii hore ee ay ugu haajirtay dhulka Xabashida, waayo waxay ahayd mid aad u dhib badan oo aan sahlanayn Ummu Salama waxay tidhi, markuu ninkayga Abuu Salama go’aan ku gaadhay in aan u safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu iidiyaariyay awr, dabadeedna wuxuu i saaray awrtii. Wiilkayagii Salama oo nala socdayna wuxuu fadhiisiyay dhabtayda. Intaa ka dib, Abuu Salama wuxuu nagu kaxeeyay awrtii, isagoo aan istaagaynin meelna. Ummu Salama waxay tidhi, ka hor inta aanan ka bixin magaalada Makka ayaa waxaa na arkay rag ka mid ah qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum), isla markiiba xaggeena ayeey soo aadeen, iyagoo ku yidhi ninkeyga Abuu Salama "Haddii aad adigu naga baxsatay, sidee ayaad nooga baxsanaysaa gabadha kula socotaa. Waa gabadheenna, sideen kuugu ogolaanaynaa inaad la tagto oo la baxsato."

Intaa ka dib, raggii waxay ku soo boodeen Abuu Salama, dabadeedna way iga soo jiiteen ninkeyga Abuu Salama. Ummu Salama waxay tidhi, markii nimankii ay iga soo kaxeeyeen ninkayga anniga iyo wiilkayga Salama ayaa waxaa na arkay niman reer Banuu Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin ninkayga. Aad ayey uga cadhoodeen wixii nalagu sameeyay, oo waxay nimankii ku yidhaahdeen raggii kale ee reer Banuu Makhzuum "Wallaahi qaadan maysaan wiilka, waayoo waa wiilkayagii, innagaana xaq u leh inaan qaadanno" Sidaa dabadeed waxay labadii kooxood bilaabeen inay jiitaan wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu Salama ilaa ay qaataan reer Banii Cabdil-Asadi. Waxay tidhi Ummu Salama, wakhti gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo ninkeyga iyo wiilkayga Salama. Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo magaalada Madiina, isagoo diintiisa la cararaya, wiilkaygii waxaa iga boobay oo iga qaatay reer Banii Cabdul-Asadi isagoo jajaban sidii ay u kala jii-jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa i kaxeestay reerkayga reer Banuu Makhzuum.

Ummu Salama waa keligeed oo waxay la nooshahay reerkeeda reer Banuu Makhzuum, Wiilkeeda waxaa qaatay reer Banuu Cabdil-asadi. Ninkeeda wuxuu u caray magalaada Madiina. Qoyskii wada socday waa la kala firdhiyay oo la kala geeyay. Waa amakaag iyo yaab. Waxay tidhi Ummu Salama iyadoo ka waramaysa arrinkaa murugta lehi waxay tidhi: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan imi meeshii la iiga qaatay wiilkayga, iyo sidii murugada lahayd ee nala kala geeyay anniga iyo ninkayga. Muddo hal sanno ku dhow ama wax ku dhow hal sanno markay ka soo wareegtay xaaladdaas ayaa waxaa maalintii danbe ii yimi nin aan ilmo adeer nahay, waxaanan uga waramay sheekadeeyda biloow iyo dhammaad. Ninkii, ayaa naxariis gashay ka dib markuu maqlay qisadayda, dabdeedna wuxuu la hadlay kuwii aan maxbuuska u ahaa, isagoo ku yidhi "War maad iska sii daysaan miskiintaan, waayo waxaad kala geyseen iyada iyo wiilkeeda iyo ninkeeda. Nasiib wanaag, nimankii way sii daayeen Ummu Salama. 

Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu Salama, hase ahaatee su’aasha ay is weydiisay Ummu Salama ayaa ahaa sidii ay ku haleeli lahayd ninkeeda Abuu Salama oo markaa joogay magaalada Madiina. Dhinaca kale, taas waxaa ka sii darnayd iyadoo aan ka tagi karin wiilkeeda Salama oo ay haystaan Reer Banii Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu Salama. Qaar ka mid ah dadkii ka war hayey dhibaatada iyo murugada Ummu Salama haysata ayaa ka naxay xaaladdeeda, ka dibna waxay la hadleen reer Banuu Cabdil-Asadi si ay ugu soo celiyaan wiilkeeda Salama oo ay markaa haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay tidhi Ummu Salama, maa aanan siiba sugin inaan magaalada sii joogo ka dib markii wiilkayga Salama la ii soo celiyay. 

Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeeda u safreen magaalada Madiina, iyadoo mareysa meel la yidhaahdo "Tanciim" ayaa waxaa la kulmay nin la yidhaahdo Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu Ummu Salama weydiiyay halka ay u socoto, waxayna tidhi magaalada Madiina. Wuxuu haddana weydiiyay cidda ay la socoto. Ummu Salama waxay ku jawaabtay wallaahi waxaan ahay anniga iyo wiilkayga Salama oo keliya. Haddaba, Cusmaan ayaa yidhi wallaahi kaa tegi maayo ilaa aan ku geeyo magaalada Madiina, sidaasna ayuu sameeyay. Ummu Salama iyo wiilkeedii Salam waxay yimaadeen magaalada Madiina, halkaas oo ay la kulmeen Abuu Salama oo ayna is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayey ugu faraxday la kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar lamuu joogin ee wuxu la joogay, ilaa ay ka billowdeen dagaaladii Badar iyo Uxud. 

Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam wuxuu ka qayb galay labadaas duulimaad, nasiib darrose wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii danbe ee Uxud, ka dib markii uu wacdaro daran halkaa ku soo bandhigay. Wixii intaa ka danbeeyay Abuu Salama wuxuu saarnaa sariirta halkaas oo lagu daaweenayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw), markii uu Rasuulka (scw) ka tagayna maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu geeriyooday. Ummu Salama waxay Illaah ka bariday in uu Illaah u sahlo nin ka kheyr badan Abuu Salama, laakiin waxay mar danbe is weydiisay su’aasha ah, yaa noqon kara ninka ka kheyr badan Abuu Salama. Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo waxay heshay Ummu Salama nin ka kheyr badan Abuu Salama waana Rasuulka (scw). Waxaa Ummu Salama maalintaa wixii ka danbeeyay guursaday Rasuulka (scw). Sidaasna ayeey waxay ku noqotay mid ka mid ah hooyooyinka Muslimiinta, waayo xaasaskii Rasuulka waa hooyooyinka muslimiinta. 

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Baaq Taageero

Anaga oo ah dhalinyarada Degmada Maxamuud Haybe waxaanu si balaadhan u taageeraynaa sida muwaadinimada la ee uu gudoomiyaha ASAD Saleebaan Maxamuud Aadan uga taliyay aayaha Somaliland isaga iyo xubnihiisa kale ee mudan, taas oo aanu u aragnay in ay ka talinayaan aayaha umadda Somaliland iyo jiritaankeeda gooni isu taageed.

Waxaananu ka soo horjeednaa cidkasta oo si khaldan kursiga ku doonaysa burburinaysana qaranka Somaliland.

Iyo in la soo hadal qaado waxyaalaha dadka kala fogaynaya iyadoo ay shacabku kala ogyihiin cida dantooda wada iyo cida aan wadin, isla markaana ay isha ku hayaan dadka isticmaalaya hadalada iyo waxyaalaha dadka kala fogaynaya. 

Abshir axmed aw Maxamuud
Baashe aw Aadan cabdi
Cabdi Aadan Jaamac
Barkhad x Yuusuf 
Yaasiin cali cabdi
Siciid cabdi Aadan.
Hargeysa 

Top


Halaga Fiirsado Doorashada Madaxtinimada

Runtii dadka iyo dalkaba waxa kusoo fool leh xaalad aan la dhayalsan Karin oo u baahan in loo fiirsado, waxa ii muuqda ifafaale. Arintu masahlana . su’aasha shacbigan taagta daran ee nabadda iyo horu marka jeeli is waydinayaani waxa weeyi waar nimankan luxdan ee cadhada isu urusaday ma madoorashay u socdaan mise damackaley qabaan? Hadaba aniga oo halkan ku cabiraya aragtidayda shakhsi ahaaneed ee ku waajahan su’aashan Anigu waxan qabaa dareenka buslshada somaaliland inteeda badani qabto oo ah tii maroodiga ( iigu rid ama aan kaaga rito) waxan filayaa inaan doorshaba la isla gaadhayn.Xaaladu waxay u muuqataa tii 1969kii xukuumadii rayidka ahayd ee Somalia lagu mijo xaabiyey, waxan arkayaa ardaydii Afweyne, waxa soo ureysa kaartadii afweyne ee 21kii oct 1969kii.

Waxa laga yaabaa in akhristayaal badani ay la dhici waayaan fikirkaygan,oo aan ku kala duwanaano aragti ahaan. Dabcan waa suura gal oo daruuri maaha in dadku isku wada aragti noqdo oo nin walba sibay wax ugu muuqdaan.

Balse waxan anigu fikirkaygan ku salaynayaa arimo dhawr ah oo aanay xubanaha kulmiye isugu habar wacday doorshada madaxtooyada ugu dhiiranayn, sidaa darteedna ay dhako kale maaganyhiin.

Run ahaantii mujaahidiintan isu habar wacatey iyo waxay ku heshiiyeenba waxa saran calaamatu su’aal wayn (?) khaasatan hogaanka ururku M. axmed (siilaanyo) iyo C/raxman aw cali ma filayo in ay doorasho u socdaan ee waxan leeyahay waxay qabaan damac kale.

Sida aan wada ognahay M.axmed (siilanyo) wuxu ka mid ahaa ragii 1997kii usoo diyaar garoobay tartanka madaxtinimo ee dalka inkasta oo aanu isa soo taagin oo uu uga tanaasuley musharaxnimada saleeban max’ud aadan (saleban gaal) oo ay isu beelkasoo jeedeen. Kadib uu wadanka kusoo laabtay sanaddii kal hore ee 2002 iyadoo dalka ay ka jirto loolan ba’an oo siyaasadeed oo ka dhexeeyey xukuumadii marxuum Maxamed.I.cigaal iyo urur siyaasadeedyadii macaradka ahaa ee dalka oo isugu jirey kuwo is diwaan galiyey iyo kuwo aan is diwaan galinba.dabadeedna uu sheegay siilanyo in aanay soo noqoshadiisani ahayn mid ujeeddo kale leh ee uu ka shaqaynayo kaliya dhex dhexaadinta xukuumada iyo ururada.

Midda kale C/raxmaan awcali isagna wuxu aaminsanayahay in kursiga ku xigeenka M/waynaha uu isagu xaq uleeyahay mujaahid ahaan si xaqdarro ahna looga qaaday 1997kii. Sidaas darteed uunan cidnaba u habranayn.

Waxa iyana la sheegayaa sida ay tibaaxeen ilo udhuun daloola xagga xukuumadu in gabashadii Maxamed Kaahin ay ka danbaysay hungurayn jagada wasiirka gaashaan dhiga oo la sheegay inay m/waynaha isku ogaayeen ka dib taasi markay hakad gashayna wuxu si cadha leh uga hillaacay garabkii Asad ee uu C/raxmaan aw cali hogaaminayey.

Runtii aniga waxa ii muuqda is baarooyinkii waxa ii muuqata Awr waaweyn aad jeellan umadduna way daallantahay dalkuna maanta horumar iyo hannaan dimuquraadi ah ayuu haybsanayaa, dadkuna iska horkeenkii iyo horumar la’aantii 1991dii - 1993 dii ku habsatay ma halmaamin, laakiin.wixii ay soo qabteen iyo halgankii ay soo galeenna cidi ka dafiri mayso, balse nin walba bulshadan wuu soo horjoogsaday intii dalka lagu soonoqday dhib iyo dheefna waa la ogyahay.aarna nin ganay iyo nin galaday kala og, sidaas awgeedna ilama aha in ay odayaashani umaddan uga fadhiyaan haa daba la’. Ee Malaga yaabaa in dakhliga doorashada loogu tala galey xagga kale loo duwo.

Jowhar C/samad Qalinle (qaline yare)
Boorama

Top


Shirka Ururada bulshada ee Hargeysa ka socdaa muxuu kaga duwanyahay shirka Nairobi

Shirka lagu magacaabay aqoon iswaydaarsiga ugu waynaa ee loo qabto ururada bulshada rayidka ah ee soomaaliya kana socday magaaladda Hargeysa soona qaban qaabisay hay’adda NOVIB lana sheegay in ay ka soo qayb galeen dhamaan ururada bulshada ah ee dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaan jeclaystay in aan ka dhiibto aragtidayda wadanimo.

Shirkan oo ujeedada laga leeyahay tahay isdhexgalka shacbiga Soomaaliya iyo Somaliland isku soo dhawaynta si loo heloo dadkii hore isku yaqaanay isbarasho horleh oo keenta in dadka rayidka ahi mar walba isku hayaan xusuus iyo kalgacal taas oo looga dan leeyahay sidii loo suulin lahaa xusuustii hagardaamooyinkii shacbiga reer Somaliland loo gaystay wakhtigii ay jirtay wixii la odhan jiray J.D.Soomaaliya.

Shirkan danta labaad ee laga leeyahay waa sidii loo kala furfuri lahaa mawqifka cad ee shacbiga Somaliland ka taagan yahay midnimo dambe isla markaana loo burburin lahaa go’aankii midnimada uu ku gaadhay shacbiga reer Somaliland ee gooni isu taaga JSL dalal badan oo ku xiiqsan baadi goobka midnimo soomaaliyeed kuwaas oo geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaya sidii mar uun laysku soo hor fadhiisan lahaa jamhuuriyadda Somaliland iyo qab qablayaasha dagaal ee ku shirsan magaalada nayroobi ee dalka Kenya horana ay ka qaybgalkiisa u qaadacday J.Somaliland shacbigeeduna ku taageeray sidaa awgeed waxaan jecelahay in madaxda qarankan Somaliland ka qanciyaan dareenka shaki ee shirkan ku dhamaaday Hargeysa anigoo leh muxuu kaga duwan yahay shirkani kii aynu qaadacnay ee Nayroobi.

Sulub Mataan Cabdi Abtidoon.
Hargeysa.

Top


Taageero Kulmiye

Annagoo ah dhallinyarada hoos ku qoran ee reer Boorama ah, magacyadooduna hoos ku qoranyihiin waxan hambalyo u diraynaa musharraxa jagada Madaxweyne-Ku-Xigeenka Ee Ururka Kulmiye Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax annagoo u rajaynayna inuu jagadaasi markale qabto:

1.Maxamed Maxamuud Faarax 
2. Yuusuf Daahir Geelle 
3.Canab Iidle Xaaji 
4.Ruqiya Cumar Cabdilaahi 
5.Farxaan Maxamuud Faarax.

Top


Hambalyo Taageero

Xil-dhibaan Yuusuf Axmed Maxamed (Halac) anigoo ku hadlaya magaca xildhibaanada golaha deegaanka Berbera ee KULMIYE iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Berbera, waxaanu hambalyo taageero ah u diraynaa doorashada hoggaanka xisbiga loogu doortay xilka musharaxa ee jagada Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenka loo doortay C/raxmaan aw Cali Faarax.

Waxa kale oo aanu iyana ku hambalyeynaynaa garabka miisaanka culus ee ASAD ee ku biiray xisbiga KULMIYE sida Maxamed Kaahin, Ibraahim C/laahi Xuseen, xildhibaanada iyo xubnaha kale ee bahweynta ASAD.

Qore: xubin golaha deegaanka Berbera ee KULMIYE ah; Yuusuf Axmed Maxamed (Halac).

Top