Dawladda Itoobiya Oo Ooda Kasoo Qaaday Gawaadhi Somaliland Ah Oo Dalkeeda Ku Xayirnaa
Deeq Caafimaad Oo Ku Soo Fool Leh Somaliland
Billad La Guddoonsiiyay Madaxweyne Rayaale
"Somaliland Qayb Kama Aha Loolanka Ka Aloosan Somaliya, Balse..."
Ka war-hay Sheekooyin xiiso leh
Saddex xubnood oo sheegay inay ka baxeen KULMIYE
Ciidamada Israil Oo Dad Ku Laayay Xero Qaxoonti
Dalalka islaamka oo Gaashaanka ku
Dhuftay weerar
Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga
Burco: Xaaladda Siyaasadda Iyo Jawiga Isbeddelay Doorashadii Golayaasha Deegaanka Kadib
"Waxa Jira Xukuumado Maxalli
Ah Sida Somaliland Oo Aan Aqoonsanayn Dawladda Ku-Meelgaadhka Ah,
Laakiin..."
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Mujaahid Cumar hala caawiyo
WAADIGA CIYAARAHA
"Guusha Horyaalnimada Milan
Waxay Ku Xidhan Tahay In ay Ka Badiso Juventus Iyo Inter"
Crespo oo dib ugu soo laabtay Tababarka Kooxdiisa Inter |
|
Dawladda Itoobiya Oo Ooda Kasoo Qaaday Gawaadhi Somaliland Ah Oo Dalkeeda Ku Xayirnaa
|
Tog-wajaale (Haatuf): Baabuur tiradooda lagu tilmaamay ilaa boqol baabuur ama wax ku dhow oo muddo shan bilood gaadhaysa ku xayirnaa gudaha dalka Itoobiya ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ka soo gud-bayey xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya jiidaha Tog-wajaale.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan laga soo bilaabo ilaa labadii bishan ayey dawladda Itoobiya bilowday inay soo fasaxdo baabuurta Somaliland laga leeyahay ee dalkooda ku xanibnaa, iyadoo ay baabuurtaasi qayb qayb uga soo talaabayaan xadka.
Sida la sheegay baabuurtaasi waxay isugu jirtaa yar yar iyo waaweyn dirkaba, waxaana lagu tilmaamay sababta ay dawladda Itoobiya ugu xayirtay dalkeeda, iyadoo ay baabuurtaasi dalka Itoobiya ku gashay ruqsad la’aan.
Weriyaha Haatuf oo magaalada Tog-wajaale ee xadka ku taal oo uu booqday kula kulmay qaar ka mid ah darawaliinta baabuurta la soo daayey waxay darawaliintaasi u sheegeen weriyaha in laga soo bilaabo labadii bishan mar-ba toban baabuur la soo siinayey waraaq lagu soo fasaxayo, iyadoo lagu soo darayo ciidamo xadka ka soo talaabiya, waxayna baabuurtaasi ka soo gudbayaan magaalada Tog-wajaale.
Maxamuud Ibraahin ayaa weriyaha Haatuf u sheegay inuuu watay baabuurkiisa oo bed-qaba, isla markaana lama sheegin cid kale oo ka cabanaysa waxyeelo soo gaadhay baabuurtooda marka laga yimaado xanibaadda ay mudada shanta bilood gaadhaysa xanibnaayeen, waxayna baabuurtaasi ku xayirnaayeen meelo ay ka midyihiin Hartasheekha, Aw-Barre, Tog-wajaale iyo meelo kale oo dhinaca Itoobiya ah, laakiin waxa la sheegay inay baabuur kale ku xayirran tahay magaalada Jig-jiga, taasna waxa la sheegay inay soo dayntooda ku maqan yihiin saraakiil wasaaradda maaliyadda ee dawladda Itoobiya ka tirsan , iyadoo sida la sheegay wax lagu kala hubinayo waraaqo cadaynaya in baabuurta laga leeyahay Somaliland.
Top
Deeq Caafimaad Oo Ku Soo Fool Leh Somaliland |
Hargeysa (Haatuf): Alaabooyin caafimaad oo kala duduwan xaddigooduna uu gaadhayo kumanaan xabbo ayaa la filayaa inay toddobaadka foodda inaga soo haya soo gaadho Somaliland, iyadoo alaabtaa laga soo raray dalka Maraykanka, sidaana waxa Haatuf u sheegay Maxamed Xuseen Cigaal iyo Rashiid C/laahi Caraale oo ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland ee qurba-joogga ah, gaar ahaan dalka Maraykanka, isla markaana madax ka ah hayad samafal ah oo magacaeeda la yidhaahd SOMAID, hayadaas oo ah hay’adda dalka soo gaadhaysaa deeqdaa.
Alaabtaas oo la filayo inay tahay xaddigii ugu badnaa nooceeda ee caawimo ah ee dalka caawimo ahaan u yimaadda waxa uu qiimaheedu gaadhayaa ilaa 750’000 U.S-dolar, waxaana deeqdaa looo qaybin doonaa cusbataalada magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, alaabooyinkaasna waxa ka midaah qalabka qaliinka oo dhawr nooc ah, qalabka gacmaha la gashado marka hawl-galada caafimaadka lagu jiro oo iyana noocyo badan ka kooban, qalabka caafimaadka Ilkaha, maryo kala duwan oo kuwa cusbataalada ah, sariiraha qaliinka iyo kuwa gargaarka degdegga ah, qlabka shaybaadhada iyo kuwa umulisooyinka iyo kumanaan shay oo kale.
Hayadda SOMAID ee la filayo inay caawimadan dalka soo gaadhsiiso waxa hadda xubno ka ah dhalinyaro aqoonyahano reer Somaliland ah iyo dad kale oo ajnebi ah, waxaana la aasaasay sannadkii 1996-kii, isla markaana waxay hayaddaasi qabataa adeegyo samafal oo ay u qabato jaaliyadaha debedaha iyo gudaha Somaliland, taas oo ay dadka jaaliyadaha ka caawiso dhinacyada degsiimada iyo sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen, laakiin dhinaca Somaliland waxyaalaha ay u dhaqdhaqaaqdo waxa ka mid ah adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo guud ahaan dhinaca horumarinta.
Top
Billad La Guddoonsiiyay Madaxweyne Rayaale |
Hargeysa (Haatuf): Baashiir Maxamed oo ka tirsan ururka Idaacadaha Af-Soomaaliga ku hadla ee Wadanka Demark, ayaa billad sharaf gudoonsiiyay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Xafladdan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa ka soo qaybgalay xubno wasiiro ah iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn, Bashiir, oo ka hadlay sababta ay billada u gudoonsiiyeen Madaxweyne Rayaale, ayaa yidhi; "Sharaf weyn iyo maalin weyn bay ii tahay in aan la kulmo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo aan gudoonsiiyo billadan dahabka ah iyo sallaan aan uga sido Somaliland Forum iyo Idaacadaha Denmark ee Af-Soomaaliga ku hadla. Waxaanu go’aansanay in aanu haddiyadan siino markii aanu ku faraxnay sidii wacnayd ee Somaliland isbedelku uga dhacay markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal."
Bashiir, waxa uu sheegay in wiil uu dhalay la siiyay Billadan oo ay siiyeen Olimbiga adduunku, isagoo wiilkiisu ku halay orodka 10 km ah, waxaanu ugu deeqay ururka Idaacadaha Af-Soomaaliga ee Denmark, dabadeed waxaanu go’aansanay in aanu ku sharafno Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa mahadnaq u jeediyay, waxaanu yidhi; "Mahad baan idiinka celinayaa hadiyadan qaaliga ah ee aad ii keenteen, waxaanay noqon doontaa mid la idinku xusuusto oo diiwaan Madaxtooyadda la idiin geliyo."
Mudane Rayaale, waxa kale oo uu u rajeeyay wiilka biladdan helay mustaqbal wanaagsan oo uu ku qaato orodka.
Top
"Somaliland Qayb Kama Aha Loolanka Ka Aloosan Somaliya, Balse..." |
War-Saxaafadeed - Wasiirka Warfaafinta
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta JSL, Md. C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa weedho kasoo yeedhay kooxaha isku magacaabay G8 iyo kooxda Carta ku sheegay marmarsiinyo qiil looga dhigayo masiibada gacan ku abuurka ah ee dagaal oogayaashu ku ragaadinayaan aafada Somaliya.
Baaqa oo ku soo arooray waraysi ay laanta Af-Somaliga ee BBC-du la yeelatay Af-hayen ku hadlayay magaca TNG-da waxa uu JSL ugu yaboohay in ay ku soo biiraan gogosha nabadaynta kooxaha Somaliya iyaga oo maqnaanshaha Somaliland ku tilmaamay in uu dhantaalayo geedisocodka nabadaynta Somaliya. Isla markaana uu sheegay in ay sabab u tahay maqnaanshahooda ay ka soo daahiri waayaan madasha shirka ee Ambakasi ee duleedka Nairobi.
Danjire Bethwel Kiplagat oo isaguna dhowaan waregyska East African Standard u sheegay dalalka safka hore ee IGAD in aanay aqoonsanayn JSL, isla markaana, Somaliland u fidiyey martiqaad lagu casuumayo shirka nabadaynta Somaliya, ayaa sidoo kale, wasiirka W/Warfaafinta JSL ku dhaliilay danjiraha oo ah ergayga xukuumadda Kenya wakiil uga ah shirka nabadaynta isaga oo ku tilmaamay in danjiruhu baal maray mawqifka JSL oo si qeexan loo hordhigay guud ahaan dalalka IGAD iyo gaar ahaan dalalka safka hore.
Wasiirka mudane C/laahi M. Ducaale mowqifka JSL wuxuu ku soo koobay dawladiisu in ay dhiirigelinayso waanwaanta nabad raadinta oo ay horsed ka yihiin dalalka safka hore ee IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay I isla markaana xukuumadda JSL waxay u soo jeedisay kooxaha ku hardamaya Somaliya in ay si mug leh uga soo qayb galaan gogosha nabadaynta kana wanatoobaan burburka iyaga oo si dhab ah ugu midho dhalinaya kulanka maanta loo fidiyey.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Mud. C/laahi Maxamed Ducaale isaga oo si faahfaahinaya mawqifka xukuumadiisa waxa uu sheegay in Somaliland aanay qayb ka ahayn loollanka iyo dagaalada ka ooggan Somaliya. Hase ahaatee, waxa uu sheegay in ay ku biiri karaan dalalka nabadaynaya Somaliya taas oo uu shuruud uga dhigay marka hare dawladaha urur goboleedka IGAD in ay aqoonsadaan gooni isu taaga JSL.
Ugu danbayntii wasiirka Warfaafinta JSL waxa uu war..saxaafadeedkiisa ku gunaanaday gooni isu taaga dalkiisu inuu yahay go'aan aan ka noqosho lahayn, kuna qotoma rabitaanka umadda, isla markaana in ay rajaynayaan aqoonsi caalami ah, taas oo uu u jidaynayo qodobka 3aad ee xeerka AU-da iyo qodobka 4aad ee dastuurka Midowga Afrika.
Top
Ka war-hay Sheekooyin xiiso leh |
Akhristayaashayada sharafta leh waxaanu ku war-gelinaynaa in laga bilaabo maalinta Axadda ee toddobaadka foodda inagu soo haya aanu idiin bilaabi doono sheeko aad u xiiso badan oo ah macluumaad la soo ururiyey oo ah gar-soomaalidii ay xeer-beegtidu u cuskan jirtay marka laba isqabtay u gar-qaadayaan ama arin ribatay xal u raadinayaan.
Sheekadan oo aad ugu nuux-nuuxsanaysa hiddosamida dhaqanka Somalida iyo sida loo furdaamin jiray mushkiladaha iyo isqabsiyada dhexmara waxa diyaarinteeda isku soo dubbariday nin dhinaca dhaqanka hodan ku ah, isla markaana ah gabyaa weyn, ninkaasna waxa la yidhaahdaa Cabdi-Caaradhuub. Laakiin waxa isna dhinaca tifaftirka ama qor-qoridda qaab qoraalka isku toos-toosiyey A. Ducaale, hadaba akhrisatal laga bilaabo Axadda yey ku dhaafin sheekadaas oo ah mid aad ka helayso hadal xiiso badan iyo xikmad ku deeqda.
Sidoo kale waxa iyana cadadka Axadda idiin bilaabmi doona qiso jacayl oo iyana aad u xiisa badan, taas oo ka hadlaysa waaya-jacayl, laakiin xambaarsan xikmad iyo dhacdooyin waaqic ah oo dhinacyo badan leh, balse qisadaa cidda isku dubariday, magaceeda, hordheceeda iyo tafaasiisheedaba la soco cadadka Axadda, iyadoo aad labadaa sheekaba toddobaaddo badan kala socon doonto bogagga wargeyska Haatuf.
Top
Saddex xubnood oo sheegay inay ka baxeen KULMIYE |
Hargeysa (Haatuf): Saddex xubnood oo sheegay inay ka tirsan yihiin golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa qoraal ay xalay soo gaadhsiiyeen xarunta wargeyska Haatuf ku sheegay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE.
Xubnahan oo magacyadoodu kala yihiin; Xasan Maxamed Sii-arag, Saleebaan Cayngal Warsame iyo Maxamed Xasan Bede, waxay qoraalkooda ku sheegeen inay ahaayeen taageerayaashii Cabdi Xasan Buuni ee ka biyo-diiday qaabkii codka looga helay musharaxaa oo ka mid ahaa raggii u tartamayay jagada Madaxweyne xigeenka ee xisbiga KULMIYE.
Xubnahani waxay ku sheegeen qoraalkooda in guddoomiyaha iyo guddida fulinta ee xisbigu ku xad-gudbeen doorashadii Madaxweyne xigeenka, isla markaana markii aanu hordhignay guddoomiyaha cabashada inuu iska dhego maray, waxaanu go’aansaday inaanu ka baxno xisbiga KULMIYE ayay qoraalkooda ku yidhaahdeen.
Waxa kaloo xubnahani ay qoraalkooda ku sheegeen inay guddoomiyaha xisbiga u gudbiyeen qoraal ay ugu sheegayaan inay ka baxeen Xisbiga.
Top
Ciidamada Israil Oo Dad Ku Laayay Xero Qaxoonti |
Qudus (W.Wararka) - Ugu yaraan 20 qof ayaa dhintay in ku dhow 130 kalena way dhaawacmeen, kadib markii ay ciidamada Isra’il oo wata Taangiyo iyo hubka culus ay guluf ku ekeeyeen xerada qaxoontiga Falastiiniyiinta ee Jibaaliya oo ku taala waqooyiga marinka Qasa maalintii shalay, waxaana la sheegay in dadka dhaawaca ah ay ka mid yihiin 30 qof oo uu dhaawacoodu halis yahay, ilaa iyo hadda ma cada sababta keentay inay ciidamada Isra’il weeraraan xeradan qaxoontiga reer Falastiin, balse sida laga soo xigtay mas’uuliyiin reer Falastiin ah weerarka ciidamada Isra’il ay ku kaceen weerarka ay qaadeen iyagoon wax sabab ah haysan, iyo sida badheedheen laynta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Sida ay sheegeen dad goob-joog ahi ciidamada Isra’il oo watay ilaa 40 Taangi waxa ay si aanay u kala aabo yeelin rasaas ooda kaga qaadeen dadka rayidka ah oo aan filayn weerar lagu soo qaado, laakiin waxa la sheegay in halgamayaal reer Falastiin ah oo ka tirsan ururka Xamaas in ay u jilib-dhigeen ciidamada Isra’il, balse ay xoog ku muquuniyeen iyagoo adeegsanaya hubka culus iyo Diyaaradaha dagaalka.
Maamulka Falastiiniyiinta ayaa si ba’an u cambaareeyay weerarka ciidamada Isra’il oo ay ku tilmaameen mid axmaqnimo ah, waxaana sidaa laga soo xigtay Wasiirka Xukun-hoosaadka Falastiin, Saa’ib Corayqaat oo ku tilmaamay fal-dambiyeed dhagar loogu badheedhay.
Ilaa iyo hadda wax war ah oo rasmi ahi kamuu soo bixin dhinaca Dawladda Isra’il.
Top
Dalalka
islaamka oo Gaashaanka ku Dhuftay weerar |
Doha (W.Wararka) - Dalalka islaamka ayaa
Gaashaanka ku Dhuftay weerar lagu qaado dalka Ciraaq, kadib markii uu u
dhammaaday shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen caasimadda dalka
Qatar ee Doha maalintii shalay.
Bayaan ay dalalka islaamku ka soo saareen gebogebadii shirkooda waxa ay ku
nuux-nuuxsadeen sida loogu baahan yahay in loo dhawro midnimada iyo
wadajirka dhulka dalka Ciraaq iyo in xiisadda nabad-gelyo la mariyo
Q.Midoobay, isla markaana dalalka islaamku waxay ugu baaqeen in aanay ka
qaybgelin wax weerar ah oo lagu qaado Ciraaq ama dal kale oo islaam ah,
waxaanay dalalka islaamku soo dhoweeyeen wada-shaqaynta ay Ciraaq la
leedahay baadhayaasha hubka iyo fulinta qaraarada kasoo baxay Q. Midoobay
iyo sida ay uga go’an tahay dhaqan-gelinta go’aanadan.
Sidoo kale dalalka islaamku waxa ay lama huraan ku tilmaameen ilaalinta
nabadgelyada iyo xasiloonida dalka Kuweyt. Hase yeeshee waxa muddadii uu
shirku socday soo baxayay warar sheegaya inay isku muruxsadeen wufuudii ka
kala socotay Ciraaq iyo Kuweyt oo af-lagaado iyo yool-yooltan uu
dhexmaray.
Top
Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 98aad
Ganat: Ma waxaad leedahay Fiqra Salaase waxa uu ahaa ninkii baadhayey qoraalka Ba’alu Girma?
Mingistu: Qaabka uu qoraalku u diayarsan inuu eego, ka dibna wixii farsamo ah inuu ku caawiyo ayuu ninkaa qorshihiisu ahaa, isaga oo hubinaya luqadda lagu qoray, habka loo qoray iyo qurxinta qoraalka, laakiin ma ahayn nin iska hortaagaya hawsha qoraalka, wuxuuse ahaa xafiis wixii sixid u baahan saxaya ama hadii uu jiro wax u baahan in wax laga bedelo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa ayuu la taliye uga ahaa.
Waxa kale oo intaa dheeraa guddiga mad-bacadda Kuraas oo qorayaasha gacan ka siin jiray waxyaalaha ay daabacayaan, iyadoo ay nimanka qorayaasha ahi inta ay iskaashadaan lacag yar siin jiray mad-bacadda, taasna guddiga mad-bacaddu way ka caawin jireen qorayaasha, taasina waxay keentay inay qorayaal fara badani awoodi karaan inay wax qoraal sameeyaan, isla markaana ay buugaag fara badani dalka ku faafto. Laakiin mad-bacadda Kuraas looma aasaasin in laga faa’iidaysto dhaqaale ahaan, waxaase la doonayey inay noqoto meel iskeed isu taagta oo ay noqoto meel isku filnaata oo kharashaadkeeda daboosha, taas oo markii la aasaasayey looga dan lahaa inay xataa haba yaraatee noqoto meel meteli karta ama u eg mad-bacadaha Madaxa banaan, taas darteedna aanu dhinaca farsamada iyo macalimiinta dadka wax baraysa ka caawino, waxaanuna isku af-garanay inay mad-bacaddu hawlahaa qabato.
Hadaba Fiqra Salaase qoraaladii Ba’alu Girma ayuu u gud-biyey guddiga mad-bacadda, isaguna waxa uu sii raaciyey qoraal kale oo uu leeyahay, "Anigu waqti umaan helin inaan akhriyo buugga Ba’alu ee idinku inta aad akhridaan wixii dhibaato ah ee aad ku aragtaan ka saara, isla markaana inta aad akhirdaan go’aan ka gaadha". Laakiin guddigaasi iyaga oo ku shaqaynaya amarka la siiyey oo ahaa inay dhinaca farsamada oo qudha gacan ka siiyaan, waxayse ku yidhaahdeen bal ka warran hadii intaa iyo intaa ka bedesho iyo hadii aad halkaas yara xaqiijiso, ka dibna inta ay waxyaalo yar yar oo fud-fudud inay u sax-saxeen ayey Ba’alu u dhiibeen buuggii, dabadeedna Ba’alu Girma inta uu buuggii taw la yidhi ayuu markiiba soo daabacay, laakiin waxay iswaydiintu tahay yaa qaladka leh, waayo Fiqra Salaase Buuggii loo keenay ee lagu yidhi baadhis ku samee muu akhriyin, sidoo kale guddigii mad-bacaddu waxay yidhaahdeen waa qoraal soo maray Fiqra Salaase ayaanay hoos-ba u eegin nuxurka siyaasadeed ee uu xambaarsan yahay, runtiina taasi may ahayn shaqo u taal guddiga mad-bacadda, hase yeeshee Ba’alu Girma buuggaa intii aanu daabicin wuu soo wada tusay cidii ay khusaysay oo dhan, ka dibna inta uu is yidhi way dhamaatay ayuu soo daabacay, dabadeedna qaybiyey, sidaa ayuuna buuggu suuqa ku galay.
Maalin ayuu inta uu qof ii yimi aniga igu yidhi, "Ba’alu waxa uu soo qoray buug ka hadlaya ololihii xidigta casaa, waxayna ila tahay in buuq ka dhashay", dabadeedna waxaan idhi "buugga I soo tusa", ka dibna markii lay keenay waxaan akhriyi jiray habeenimadii, waxayna igu qaadatay inaan buuggaa akhirkiisa ku dhameeyo muddo toddobaad ah, isla markaana maadaama lay sheegay inuu buuggaasi buuq dhaliyey waxaan akhriskiisa u dersay si qoto dheer, balse anigu kumaan arag wax laga dido, laakiin waxa jiray niman kale oo aad uga cadhooday, kuwaas oo ay aragtidoodu kala duwanayd, balse tusaale ahaan ragga qaarkood kama ay cadhoon habka uu u qoran yahay, waxayse ka cadhoodeen cadaymaha buugga gudihiisa ku jira, taas oo lahaayeen "Caydamaha buugga gudihiisa ku jira isagu ma soo qorin ee cid kale ayaa leh", waxayna ku dacwiyayeen "Suxufiyiintii goobaha dagaalka joogay iyadoo ay rasaastu sida roobka uga dhacayo ayaa cadaymahan soo urursaday, sidoo kale cadaymahani waxa weeye cadaymo laga sooo ururiyey dadweynaha, ciidamada, ururka gudihiisa iyo meelo kale, laakiin arimahaasi ma aha kuwo uu ku heli karayey hawl-galkii uu ku jiray, isla markaana macluumaadkii gacantiisa soo galay ma ahayn kuwo marka la isku habeeyo buug laga dhigi karo", ka dibna dadkii sidaa qabay Ba’alu way soo dacweeyeen.
Masalan buuggaa waxyaalaha ku jiray waxa ka mid ah inuu ragga qaar muuqooda, sida ay u egyihiin iyo dabeecadahooda soo bandhigo, waayo sida la ogyahay nimanka qorayaasha ahi si qoraaladoodu u noqdaan kuwo akhriskooda la xiiseeyo way macaaneeyaan, taas oo nin weliba soo xusho malab uu ku macaaneeyo qoraalkiisa, laakiin Ba’alu markii uu qoraalkiisa macaanaynayey malabkii uu isticmaalayey isma odhan nimanka aad wax ka qorayso dareenkooda ayuu kiciyaaa, ama waxa laga yaabaa inuu u malaynayey inta ay qoslaan ayey iska dhaafayaan, waxyaalaha qaarna waxa laga yaabaa in maadaama ay ragga intiisa badan aad isugu dhodhowaayeen, axsaabna ahaayeen uu kaftan uga jeeday, balse dadkayagu dad kaftanka caynkaas oo kale ah ka raali noqda ma aha, sidaa darteed hadii ay xataa dhacdo inay dadka qaar iska dhaafaan, dadka qaarkood waxa laga yaabaa inay qalad u arkaan oo ay ka xanaaqaan.
Ragga uu wax ka qoray waxa ka mid ahaa Amanu’el, Falaqe, Fisaha Gaddaa, Fisaha Dastaa, Tasfaaye Walda Salaase iyo rag kale oo badan, laakiin ragga uu aad u garaacay ee wax ka qoray waxa ka mid ah Tasfaaye Walda salaase, dabadeedna Tasfaaye markii uu maqlay inuu buuggaa ku jiro ayuu isaga oo qoslaya wuxuu yidhi "Aniga wuxuu igu yidhi marka uu dirirayo indhaha hadii laga rido ma Libaax, mise Shabeel ayuu u ekaanayaa". Laakiin aniga (Mingistu) meel qudha kuma soo qorin wax I dhaleecaynaya, balse aniga oo qudha ma ahee rag kale ayaanu ka soo qorin waxyaalo ka qosliya oo uu iska fogeeyey, laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay muxuu ahaa mawqifkiisu ama ujeedadiisu markii Ba’alu waxan qorayey, maxayse ahayd himilada uu doonayey inuu gaadho ee uu waxan u qoray, taas weeye ta iswaydiinta lihi...
La soco cadadka dambe
Top
Burco: Xaaladda Siyaasadda Iyo Jawiga Isbeddelay Doorashadii Golayaasha Deegaanka Kadib |
Waa Maxay War-Subaxeedka U Hadal-Haynta Badani?
Burco (Haatuf): Xarakaadka siyaasadeed ee magaalada Burco waqtigan xaadirka ah heerkulkiisu aad buu u dhacsan yahay, waxayna taasi ku sinayd tan iyo wixii ka dambeeyey dhicidii doorashadii golayaasha degaanka ee Somaliland ka dhacay 15-kii bishii Diisambar 2002, iyadoo ay xaaladda siyaasadeed ee waqtigani aad uga duwan tahay jawigii siyaasadeed ee ay magaalada Burco ku sugnayd ka hor doorashadii golayaasha degaabka.
Laakiin Axmed Yuusuf Aadan oo Haatuf ka tirsan ayaa shalay warbixin kooban nooga soo diray sida uu hadda u egyahay jawiga siyaasadeed ee magaalada Burco iyo waxa ugu xiisaha badan ee maalmahan la hadal-hayo, waana tan warbixintii: " Ka hor dhicidii doorashada golayaasha degaanka magaalada Burco waxay ahayd xarunta ugu weyn ee ay shinida dhigtaan, taasina waxay had iyo goor jawiga siyaasadeed ee magaalada ka dhigi jirtay mid diirran oo ay xaraaradiisu kacsan tahay, laakiin wax baa iska bedelay tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii golayaasha degaanka ee Somaliland ka dhacay 15-kii Diisambar, 2002.
Ka hor intii aanay dhicin doorashadii golayaasha degaanka waxa magaalada ku ooli jiray guryo, mafaariish iyo goobo ay ku kulmaan hogaamiyayaasha iyo kooxaha siyaasaddu, isla markaana dhaqdhaqaaqa siyaasaddu waxa uu ahaan jiray mid had iyo goor xaami ah, laakiin doorashadii golayaasha degaanka ka dib inta badan raggii arimaha siyaasadda darawalin jiray ama hagi jiray waxay u guureen dhinaca caasimadda Hargeysa, taasina waxay jawiga siyaasadeed ee magaalada ka dhigtay mid baarid ah, iyadoo waxa keliya ee aad mararka qaarkood dhaqdhaqaaq aan shishlayn ku arkaysaa ay yihiin Xafiisyada ururada siyaasadda.
Hase yeeshee marka la eego haasawaha dhinaca siyaasadda arinta ugu xiisaha badan ee toddobaadkii u dambeeyey aad loo hadal hayaa waxay tahay ama ay dadku kaga sheekaystaan goobaha lagu kulmo waxay tahay, "Hebel baa badhasaab laga soo dhigay iyo hebel baa laga soo dhigayaa", iyadoo aad habeen walba ku seexanayso iyadoo la leeyahay hebel baa la soo magacaabayaa, laakiin hadana subixii marka aad soo toosto waxaad maqlaysaa hebel kale oo la hadal hayo oo la leeyahay hebel badhasaab laga soo dhigayaa.
Ta kale ka hor intii aanay dhicin doorashooyinkii golayaasha degaanku waxa la dareemi jiray firficooni iyo xarakaad badan oo dadka dhexdiisa ah, waxaana had iyo goor abuurnaan jiray ama taagnaan jiray doodo iyo su’aalo badan oo la iswaydiinayo, iyadoo ay su’aalaha ay dadku iswaydiin jireen ay ka mid ahaayeen "Ururkee baad ka tirsan tahay ama taageersan tahay", laakiin sheekooyinkaasi doorashadii degaanka ka dib way yaraadeen, laakiin marka aad dadka waydiiso sida ay u arkaan doorashadii degaanka ee dhacday iyo xataa ta madaxtooyada ee la filayo inay dhowaan dhacdo iyo xataa cidda ay taageersan yihiin waxay ku siinayaan jawaabo kala duwan, taas oo ay dadka qaar ku odhanayaan, "Waanu ku faraxsanahay doorashadii dalka ka dhacday, waxaynuna odhan karnaa waa guul siyaasadeed oo dalka u soo hoyatay", halka ay qaar kalena ku odhanayaan "Doorashadii degaanku waxay ahayd tii u horaysay ee dalka ka dhacda, laakiin waxaanu ka baranay casharo, waxaanuna dooranaynaa ciddii dalka aayihiisa ka talinaysa."
Maadaama ay hogaamiyayaasha siyaasaddu ama dadkii arimaha siyaasadda darawalin jiray ay inta badan dhinaca caasimadda ku maqan yihiin waxay dhegta dadku u taagan tahay maxaa xagga Hargeysa ka soo yeedhay ama ka imanaya.
Dhinaca kale waxa magaalada Burco ka bilaabmay hawl biyo-dhaamis ah, iyadoo uu qiimaha biyuhuna kor u kacay, taas oo ay halkii foosto ee biyo ahi gaadhay 9000 Sh. So, halka ay markii hore ka ahayd 8000 SH. SO."
Top
"Waxa
Jira Xukuumado Maxalli Ah Sida Somaliland Oo Aan Aqoonsanayn
Dawladda Ku-Meelgaadhka Ah, Laakiin..." |
C/Qaasim Salad Xasan - Waraysi (Al-Jazeera)
Doha (Al-Jasiira): Ninka Madaxweynaha ka ah maamulka kooxda lagu naanayso Carta, C/qaasin Salaad Xasan eedda burburkii haleelay dalkii iyo dawladdii Somaliya dusha ka saaray wax uu ugu yeedhay qabaa’ilka waqooyiga Somaliya (Somaliland) iyo qabaa’ilka kale ee ku dhaqan badhtamaha Somaliya (Puntland), isaga eedda burburkii dalkii Somaliya ka duway Siyaad Barre, wuxuuna C/qaasin ku dacwiyey inay qabaa’ilka labadaa meelood ku dhaqani Itoobiya gacan ku siiyeen burburinta Somaliya.
C/qaasin waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu 28-kii Febarweri, 2003 siiyey telefishinka Al-jasiira, laakiin C/qaasin waraysigaa waxa kale oo uu kaga hadlay arimo kale oo ay ka mid yihiin marxaladihii ay soo martay mushkiladda Somaliya, sababaha ay uy adkaatay xal u helideedu iyo halka ay waqtigan xaadirka ah marayso mushkiladdu.
Sidoo kale C/qaasin waxa uu waraysigiisaa waxa uu weli ku hadaaqayaa inuu rajo ka qabo inuu sugo amaanka magaalada Muqdisho oo uu maamulkiisu ku guulaysan waayey inuu mudadaa labada sannadood iyo badhka ah dhaafo xaafado ka mid ah Muqdisho, isaga oo dhinaca kalena ku doodaya inuu rajo ka qabo midnimo Somaliweyn, isla markaana C/qaasin mar wax laga waydiiyey caqabadaha hortaagan xal u helidda mashaakilka Somaliya waxa uu ka bixiyey jawaabo meel isku taar ah. Hase yeeshee waraysigaa oo aad u dheeraa, kuna baxay luqadda Carabiga waxaanu idiinka soo dheegnay qaybihii ugu muhimsanayd, waana sidan:
S: Waxaad warbixin kooban naga siisaa sidii uu u dhacay burburkii Somaliya?
J: Waxaan filayaa in wax badan laga qoray taariikhda Somaliya ee xiligan, laakiin hadii aan si kooban uga hadlo taariikhda iyo mushkiladda ka taagan Somaliya intii ka horaysay dagaalada sokeeye ee bilaabmay sagaashanaadkii waxay xididadeedu ka soo bilaabmeen xoriyadda ka hor (Lixdankii), iyadoo ay taa lug-weyn ku lahaayeen qabyaaladda iyo nidaamyadii isaga dambeeyey Somaliya laga soo bilaabo dawladihii rayidka ahaa ee xukunka hayey 1960-kii ilaa 1969-kii iyo xukuumaddii milateriga ahayd ama kacaanka ahayd ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.
S: Laakiin xubin baad ka ahayd xukuumaddii milateriga ahayd?
J: Waa run inaan xubin ka ahaa muddo 22 sannadood ah, laakiin xaqiiqdu waxay tahay Somaliya waxa haystay mashaakil isugu jira dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada, waxaase intaa weheliyey dagaalo ka dhexdhacay Itoobiya iyo Somaliya sannadkii 1964-kii iyo sannadkii 1977-kii, xiligaana (1977-kii) xukuumaddii Siyaad Barre ee talada haysay waxay xulafo la ahayd midowgii Soofiyeeti, taas oo ay cid waliba ogtahay, waxaana la qaatay nidqaamka hantiwadaagga, iyadoo 1970-kii ilaa 1976-kii uu Somaliya ka dhacay isbedel horumar lihi, sida dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, bulshada iyo dhinacyada kaleba, laakiin ka dib dagaalkii Itoobiya iyo Somaliya waxa dhacay burbur dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada ah, ta kale ururo mucaarad ah oo ku abtirsada qaar ka mid ah qabaa’ilka Somaliya, gaar ahaan qabaa’ilka dega badhtamaha iyo waqooyiga ayaa magan-galay Itoobiya, iyadoo ay markaa Itoobiya ka talinaysay xukuumaddii Mingistu, taas oo ay doonayeen inay taageero siiyaan si ay uga takhalusaan xukuumaddii Siyaad Barre.
Ururadaa uu ku salaysnaa qabaa’il, waxa iyaguna ka daba samaysmay ururo kale oo iyaguna maray isla dariiqa ay mareen kuwii ka horeeyey, dabadeedna iyadoo ay markeedii horeba jireen mashaakilo dhaqaalo iyo kuwo bulsho ayaa hadana ururadaa mucaaradka ah ee Itoobiya magan-galay waxa ka dhashay dagaalo ka dhex-qarxay ciidamadii dawladda iyo xoogaggii ka tirsanaa jabhadihii qabaa’ilka, dagaaladaas oo socday ilaa laga riday xukuumaddii Siyaad Barre sannadkii 1991-kii, waa taa taariikhda Somaliya ee hore, waxaana taa ka dambeeyey 12 sannadood , dawladda kumeel-gaadhka ahina waxay jirtay laba sannadood iyo badh.
S: Iyadoo ay waxaas oo dhami dhaceen ma waxaad leedahay Somaliya maanta waa dawlad mid ah ?.
J: Haa Somaliya way u jirtaa ka dawlad ahaan maadaama ay shacbigu mid yihiin, dhulku mid yahay, ayna jirto xuduudeeda la yaqaan, dawladnimadeedana waxay soo ceshatay, ka dib markii xukuumadda Kumeel-gaadhka ah lagu soo dhisay shirkii Jabuuti, laakiin weli waxaanu u baahanay midnimo kale, taas oo ah in la mideeyo gobolada iyo gacanta lagu dhigo amaanka, iyadoo hubka laga dhigayo kooxaha hubaysan.
S: Waa maxay caqabadaha hortaagan nabad ka islaaxda Somaliya ?.
J: Guud ahaan xiligan wacyiga Somaliya wuu degan yahay, laakiin waxa dhaca iska hor-imaadyo googoos ah oo dhexmara kooxaha ha noqoto muqdisho ama meelo kaleba, mase jiraan wax dagaalo oo dhexmara qabaa’ilka oo la mid ah dagaaladii xiliyadii hore dhici jiray.
S: Laakiin mudadii ay jirtay dawladaadu oo ahayd laba sannadood iyo badh ilaa hadda kuma ay guulaysan inay aqoonsadaan Soomaalida oo dhami, gaar ahaan Somaliland iyo Puntland, waa maxay sababta ?.
J: Waxaanu rajaynaynaa inaanu aragno Somaliya oo mid ah, waqooyi (Somaliland) iyo koonfur (Somaliya), shacbiguna taa waa taageersan yahay, laakiin waxa jira xukuumado maxali ah , sida waqooyiga (Somaliland) oo aan aqoonsanayn dawladda kumeel-gaadhka ah, balse waanu wada hadli doonaa.
S: Laakiin Shacbiga Somaliland taa ma ogola, waayo anigu (Weriyaha) Hargeysa waan tegay oo waan dhegaystay aragtidooda, taas miyaad dafiraysaa ?.
J: Hargeysa waa caasimadda, laakiin waa magaalo ka mid ah magaalooyinka waqooyiga, waxaana jira gobolo iyo degmooyin, dabcan shacbiga Waqooyigu (Somaliland) waxa uu soo maray dhibaatooyin fara badan mudadii uu jiray xukunkii Siyaad Barre iyo ka hor-ba, waxayna dadka reer Waqooyigu doonayaan inay helaan xuquuqdoodii dhinaca xukunka iyo qaybtooda maamulka, markaas waxaas oo dhami way jiraan, balse doorashada waxa doonaysa inyar, waxaanuse diyaar u nahay wada hadal dhexmara shacbiga waqooyiga iyo shacbiga Koonfurta, anaga oo horeba wefti u dirnay C/laahi Yuusuf oo madax ka ah maamulka waqooyi bari ee lagu magacaabo Puntland, dhambaalna waanu u diray oo wuu iiga soo jawaabay, iminkana C/laahi Yuusuf waxa uu ku sugan yahay Kenya oo uu ka socdo shirka dib-uheshiisiintu, sidaas oo kale waxaanu isku deyeynaa wada hadal na dhexmara kooxaha oo dhan iyo inaanu marka hore sugno amaanka Muqdisho, ka dibna Somaliya oo dhan.
Top
Waa in Cabdi Xasan Buuni arintiisa
talaabo laga qaado
Aniga oo xubin ka ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE waxaan jeclahay inaan
tilmaamo mawqifkayga ku waajahan arinta Cabdi Xasan Buuni, iyadoo uu Buuni
hadda inmuddo ah ku hawlanaa kaambayn iyo abuuridda xiisad siyaasadeed oo
xisbiga dhexdiisa ah, taas oo uu kaambaynkiisu ku socdo af iyo aduun iyo
tab kaleba, laakiin waxyaalaha uu waddo Cabdi Xasan Buuni waxaan u arkaa
dumin iyo waxyeelo xisbiga dhexdiida ah.
Cabdi Xasan Buuni maalintii la dooranayey musharaxiinta Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE waxa uu ballan-qaaday inuu ku
kalsoonaan doono natiijada doorashada, isla markaana hadii uu ku guulaysan
waayey musharaxnimadiisa uu hamblayeynayo cidda ku guulaysata, laakiin muu
fulin wixii uu ballanqaaday, wuxuuna bilaabay buuq iyo olole u eg inuu
xisbiga ku burburinayo, sidaa darteed marka waxaan Cabdi Xasan Buuni kula
talinayaa inuu marka hore is-casilo, hadiise uu sidaa yeeli waayo waa in
laga qaado xubinimada golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Maxamuud Qaawane, Hargeysa
Top
Mujaahid Cumar hala caawiyo |
Bulshada reer Somaliland gudo iyo debed-ba, gaar ahaan dadka ku dhaqan Burco iyo Hargeysa waxaanu si xushmad leh uga codsanaynaa shicib iyo dawlad-ba in caawimo loo fidayo mujaahid Cumar Cabdi (Cumar-asqo), taas oo uu u baahan yahay dhakhtar debedeed, maadaama uu xanuunsanayo, isla markaana aanu haysan wax dhaqaale ah oo uu isku daweeyo.
Maxamed Saleebaan, Jaamac Axmed,
Aadan Samatar, Saleebaan Cabdi, Maxamed X. Cabdi iyo Xasan Mataan
Top
Totii Oo Laga Yaabo Inuu Xannuun Uga Maqnaado Ciyaarta Kooxdiisa Toddobaadkan
Roma (AFP): Kabtanka kooxda AS Roma, Francesco Totti, ayaa laga yaabbaa inuu ka maqnaado ciyaarta toddobaadkan ay kooxdiisu la yeelanayso kooxda Lazio, kadib markii uu shalay khamiistii la soo today xumad.
Totti, waxa uu toosay heerkulkiisa oo aad u sareeya, taasina waxay keentay inuu ka qaybqaadan kari waayay shalay tababarkii ciyaartoyda kooxdu ku qaadanayeen garoonka Trigoria.
Maqnaanshaha Totti, waxa uu mushkilad weyn ku tahay tababaraha kooxda Roma, Fabio Capello, oo ay kooxdiisu u muuqato mid ciyaarteedu liidato, kadib markii ay natiijooyinkeedii ugu dambeeyay aanay ahayn qaar wanaagsan.
Totti waxa uu dhaliyay laba gool ciyaartii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Valencia toddobaadkii hore, ciyaartaas oo ka mid ahayd tartanka Horyaalka Kooxaha Yurub, ka hor intii aanu hal gool dhalin ciyaartii ay 3-1 kaga badiyeen Empoli Axadii toddobaadkan oo ku wada ciyaarayeen tartanka kooxaha Talyaaniga ee Serie A.
Dhinaca kale, ciyaartoyga Faransiiska ah ee Vincent Candela, ayaa isaguna ka maqnaan doona ciyaarta sabtida ay Roma la ciyaarayso Lazio, kadib markii uu ku dhacay xannuunka duraygu.
Top
"Guusha
Horyaalnimada Milan Waxay Ku Xidhan Tahay In ay Ka Badiso Juventus
Iyo Inter" |
Filippo Inzaghi
Roma (Reuters): Filippo Inzaghi, weeraryahanka kooxda Talyaaniga ah ee kubadda cagta AC Milan, ayaa sheegay in ay kooxdiius ka badiso kooxaha ay ku hirdamayaan Horyaalka Talyaaniga ee Juventus iyo Inter Milan, haddii ay doonayso in ay sii wado in ay ku guulaysato horyaalka Tartanka xilli-ciyaareedka sannadkan.
Kooxda AC Milan, waxay hogaanka kala horeynta kooxaha ee tartanka Seria A haysatay ilaa badhtamihii xilli-ciyaareedkan, balse waxay dib ugu dhacday kadib markii ay ka badisay kooxda Perugia, barbarana la gashay kooxaha Lazio iyo Atalanta, taasina waxay ka dhigtay faraqa u dhexeeya iyada iyo kooxda kaalinta koowaad kaga jirta kala-horeynta kooxaha Serie A ee Juventus afar dhibcood, halka ay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Inter ay ka dambayso dhibic keliya.
Warar laga soo xigtay shalay Shabakadda Internet-ka ee Milan, ayaa sheegaya inuu Inzaghi yidhi; "Faraqa afarta dhibcood ahi, maaha wax weyn, laakiin waa in aanu ka faa’iidaysanaa ciyaarahayaga aanu la yeelanayno kuwa aanu ku hirdamayno horyaalka ee Juventus iyo Inter bisha soo socota."
"Waanu dedaalnay badhtamihii Xilli-ciyaareedkan, balse waa in aanu ka midho-dhalinaa wixii aanu qabsanay wakhtiyadii ugu dambeeyay. Tusaale ahaan, sidii aanu ciyaarnay ee aanu u muujinay ciyaar wanaagayaga qaybihii dambee ee ciyaarihii aanu la yeelanay kooxaha Lazio iyo Atalanta." Ayuu raaciyay Filipo, Inzaghi.
Top
Crespo oo dib ugu soo laabtay Tababarka Kooxdiisa Inter |
Weeraryahanka ree Argentina ee kooxda Inter Milan, Hernan Crespo, ayaa dib ugu soo noqday tababarka oo si dhammaystiran ula qaatay kooxdiisa shalay, kadib markii uu dhaawac gaadhay uga maqnaa ciyaaraha, waxaana la filayaa in muddo laba toddobaad ah uu dib ugu soo laabto ciyaaraha kooxdiisa oo uu ka qaybqaadan doono.
Crespo, waxa uu dhaawacu soo gaadhay bishii January 12-keedii, ciyaar ka mid ahayd tartanka kooxaha Talyaaniga ah oo ay la ciyaarayeen kooxda Modena, iyadoo la filayo inuu ciyaari doono ciyaarta kooxdiisa ugu dambeysa wejiga labaad ee Horyaalka kooxaha Yurub (Championship League) ee ay la yeelanayaan kooxda Jarmalka ah ee Bayer Leverkusen.
Ka maqnaanshaha uu Crespo ka maqnaa Inter, waxay ku keentay kooxda dhibaato aad u weyn oo hoos u dhac ku keentay natiijooyinka kooxda, taas oo kaliftay inay kooxdu amaah kaga soo qaadato kooxda AS Roma, ciyaartoyga Gabriel Batistuta, si uu u buuxiyo kaalinta Crespo.
Si kastaba ha ahaatee, Inter waxay aad ugu dhowdahay in ay hanato horyaalka Talyaaniga, inkastoo ay 3-0 kaga badisay kooxda hogaaminaysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus axadii toddobaadkan.
Kooxdan uu tababaraha u yahay Hector Cuper ee Inter, waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee tartanka Serie, waxaanay 3 dhibcood ka dambaysaa Juventus.
Top
|