Doorashada
Shirar Lagaga Hadlayay Qadiyada Somaliland Oo Ka Dhacay Dalka Sweden
Gobolka Tog-dheer Oo Loo Magacaabay Badhasaab Iyo Badhasaab Xigeen Cusub
C/Qaasim Oo Taageero Dhaqaale Uga Helay Dalal Carbeed Qabashada Shir Ka Dhan Ah Ka Nairobi
Ciraaq oo wada burburinta gantaalaha Al-samuud
Digniin laga bixiyay
"Ma Jiro Wax Miisaaniyad Ah Oo La’ii Buriyey Ee Miisaaniyadii Sanadkii Hore Ayaa wax Layga Dhimay"
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Jilbo-Dhiig
Garta xeer-beegti iyo xeerarka somalida
Golaha Deegaanka Hargeysa oo Is-Hortaagay Magacaabista Xoghayaha Cusub
Wasiirka Daakhiliga Iyo Maayarka Hargeysa Oo Midba Dhinaciisa Ka
Mujaahid Cumar Hala Caawiyo
Xukuumaddu Wax Ha Ka Qabato |
|
Hargeysa (Haatuf): Muddo afartan maalmood ah ayaa inaga xigta waqtigii loo cayimay in la qabto doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka, doorashadaa oo ay ku tartami doonaan saddexda xisbi qaran ee ku guulaystay doorashadii golayaasha deegaanka ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, sida ay dhawaan sheegtay maxkamada dastuuriga ah ee JSL.
Doorashadaa madaxtooyada loogu tartamayo ayaa ah mid ay danaynayaan qaabka ay u dhacdo bulshada reer Somaliland, taas oo caalamkuna ay fiiro gaar ah siinayaan.
Jamhuuriyadda Somaliland oo 13-jir ah ayaa ah mid ku cusub hannaanka tartanka axsaabta badan, taas oo ku soo caano-maashay habka shir-beeleedka ama shir-qarameedka mudadii ay madax-bannaanideeda lasoo noqotay.
Bulshada Somaliland oo ah mid jecel ama aad u danaynaysa xasilloonida dalka, kuwaas oo cabsi weyn ka qaba saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto nabad-gelyada ay waqtigan haystaan. Haddaba waxa ay isweydiintu tahay ama su’aasha waqtigan taagani ay tahay qaabkee ku habbboon oo doorasho xalaal iyo caddaalad ku dhacda lagu heli karaa?
Iyadoo ay jireen doorashadii aynu soo dhaafnay ee golayaasha deegaanka cabasho badan oo ay ururada mucaaradku ka muujiyeen, sidaas darteed waxa aan waraysanay qaabka lagu heli karo doorasho ku dhacda xalaal iyo caddaalad qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan Somaliland, waxaana aanu ugu horrayn su’aashaas weydiinay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta gobolka Awdal, wuxuuna ku jawaabay Suldaan Ibraahim; "Run ahaantii su’aashaasi waa mid meesha ku jirta, loona baahan yahay maadaama ay marxaladdii doorashada la qaban lahaa inagu soo fool-leedahay in loo sii diyaar-garoobana ay tahay, markaa waxaan qabaa in ay doorasho xalaal ahi ku dhici karto iyadoo ururada doorashada gelaya, xukuumadda iyo dadweynuhuba ay isku taxallujiyaan:
-
Sidii loo sugi lahaa nabad-gelyada.
-
Inay dadku isku taxallujiyaan gaar ahaan ururada tartanka gelaya inay dadweynaha si dimuqraadiyad ah oo tartan xalaal ah u galaan oo aanay hab qabiilaysi ah ama hab cunsuri ah aanay marnaba isku dayin inay doorashadaa iyo nidaamkeeda ku galaan, xukuumadda lafteeda oo mar walba cabashooyin badan laga muujiyo sidii dhacday doorashadii Xisbiyada qaarkood ku dacwoonayeen, xukuumadduna waa inay muujisaa sidii ay ugu adeegi lahayd si siman ururada saddexda ah ee tartamaya inay xukuumaddu u sinaato hadday tahay xagga dhaqaalaha, hadday noqoto xagga abaabulka, gaadiidka iyo wixii kale ee ay u baahdaan inay si fudud ugu adeegto wixii imkaaniyaad ah ee ay ugu suurtogelayaan sidii ay doorashadu u dhici lahayd, haddii taas la waayana kolleyba eedo badan baa la sheegan doonaa, waxaana khatar loogu jiraa inay arrintu si kale isu
beddesho.
Waxaanan dadweynaha Somaliland kula talinayaa in ay ku dedaalaan xasilloonida iyo nabadgeliyada sidii ay u ilaalin lahaayeen, muwaadin kastaana uu ku dedaalo sidii ay xil isaga saari lahaayeen ilaalinta nabadgelyada, salaadiinta reer Somaliland-na ay xil weyn iska saaran sidii doorashadii hore ay kaalintoodii uga qaateen."
Fikraddan oo aanu wax ka weydiinay dad kala duwan waxaanu sii wadi doonaa cadadada soo socda haddii Ilaahay yidhaahdo.
La soco...
Top
Shirar Lagaga Hadlayay Qadiyada Somaliland Oo Ka Dhacay Dalka Sweden |
"Waa Gar-Daro In Somaliland Lala Sugo Inta Ay Soomaalia Wax Noqonayso" Dr. Axamed Xuseen Ciise
Stockholm (Haatuf): Waxa maalmahan ka socday dalka Sweden shirar lagaga hadlayay qadiyadda Somaliland iyo guud ahaanba xaaladda somaliya iyo ta geeska Afrika oo ay ka qaybgaleen aqoonyahano iyo diblomaasiyiin kala duwani, iyadoo lagu soo bandhigay fikrado iyo khudbado ka waramaya waaqica dhabta ah ee Somaliland, iyadoo shirkaa ay dhinaca Somaliland uga qaybgashay wasiirka arrimaha qoyska Marwo Edna Aden, waxa kale oo ku wehelinayay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland ee u ololeeya qadiyadda Somaliland.
Si aanu tafaasiil dheeraad ah uga helno shirkaas waxaanu xalay la xidhiidhnay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo nooga waramay geedi-socodkii shirarkaa iyo halka ay haatan hawlahoodu marayaan.
Ugu horayn isagoo ka hadlaya sidii ay shirarkaasi ku bilaabmeen waxa uu ku bilaabay sidan:
"Bisha 6dii waxa ka bilaabmay dalka Sweden shirar lagaga hadlay arrimaha Somaliland. Shiraraka oo ay soo qaban qaabiyeen urururo isugu jira qaar ay sameeyeen dad u dhasahy reer Somaliland iyo qaar u gaar ah dalka Sweden waxa lagu casuumaay saddex qof oo kala ah: Ambassador David Shinn, Dr. Axmed Xuseen Ciise iyo Marwo Edna Adan Ismaciil, Wasiirka Arrimaha Qoyska.
Ugu horeen shirkii u horeeyey wxuu ka dhacay magala Madaxda Stockholm isaga oo waftigu la kulmay ururada Samafalka ee dalka Sweden iyo Wasaaradda Khaarajiga, kulana kulmay xarunta FORUMSYD oo ah gaboodka ururada Samafalka. Halkaa waxa ka jeeday qudbado aad u dhaadheer saddexda xubnood ee Waftigu ka koobnaa. Ugu horeen Marwo Edna waxay halkaa ka warantay xaalada Somaliland waxayna tustay sawiro iyo macluumaad ka turjumaya Somaliland iyo cusbitaalka Edna Maternity Hospital. Waxa isna halkaa sii faahfaahiyey xaalada Somaliland Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ku tilmaamay Somaliland "meel dalalka kale ku dayan karaan". Wuxuu Dr. Axmed halkaa ka sheegay in Somaliland ay wax badan oo lagu khasbo wadamo kale ay iyadu sameysatay iskeed. Isla markaana Wuxuu Dr.Axmed u sheegay dadkii shirkaa joogay "inay aad u qalad tahay in Somaliland iyo dadkeeda oo wax qabsanaya lala sugo inta Somaliya wax noqonayso, balse ay waajib ku tahay aduunka in hore laga ictiraafo Somaliland."
Waxa isna halka hadal dheer ka jeediyey Ambassador David Shinn. David Shinn wuxuu aad ugu nuuxnuusaday sida ay rajadii uu ka qabay inay Somaliya dhakhso wax u noqoto inay meesha ka baxday. Waxa kale oo ka warramay taariikhdii Somaliland iyo in ay dhab ahaantii ahaan jirtay dawlad la icitiraafsan yahay, 34 dalna ictiraaf siiyeen. Wuxuu akhriyey hambalyadii uu u soo diray Wasiirka arrimaha debedda ee maraykanku dadka reer Somaliland markii ay dawlad noqdeen. Wuxuu kale oo ka warramay siyaasadda dalalka gees Afrika iyo sida ay u saamaynayso ictiraaf raadiska reer Somaliland.
Wuxuu waftiga reer Somaliland muddadii ay joogeen magaalada Stockholm kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Sweden, xisbiyada mucaaradka iyo ururo kale. Sidoo kale waxa la kulmay Guddomiye ku Xigeenka Magaalada Stockholm iyo hogaamiyaha ururada mucaaridka ee Sweden iyo hayadda qaabilsan maamulka arrimaha caafimaadka ee dalka Sweden.
Isla bisha lixdeedii wuxuu waftigu shir dheer la qaatay jaaliyada reer Somaliland ee degan magaladda Stockholm, Habeenimadiina wuxuu ka qayb galay casha sharaf ay u sameeyeen 34 urur oo kale oo ka kala yimid waddanada Talyaaniga, Ingriiska, Portugeeska iyo Sweden.
Wafitgu isaga oo booqashadiisii sii wata waxa uu tagay magaladda Umea oo ah dhinaca waqooyiga ahna magaalo ay Jaamacad aad u weyni ku taalo. 8dii Bisha ayuu waftigu shir aad u dheer oo maalin dhamaanteed socday ugu qabtay madaxda reer Umea iyo dadka Somaliyeed ee halka degan. Saddexdooduba waxa hadlayeen midkiiba saacad wakhti ka badan oo faahfaahin aad u dheer ay ka bixieen Nabadda iyo Horumarka Daqaalaha (Edna Adan), Geeska Afrika iyo Siyaasadda Somaliland (David Shinn) iyo dhismaha dawladnimada iyo muhimadda ururada bulshada ee madax banana (Axmed Xuseen). Waxa shirkaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Guddida Deegaanka oo ah qofka ugu sareeya gobolkaa, madaxa ururka xukuma gobolka Umea oo isagu ka ahaa halkaa shir gudoon. Habeenimaddii 8da wuxuu waftigu gaar ahaan ula kulmay jaaliyada reer Somaliland ee Umea.
Dr. Axmed Ciise wuxuu intaa ku daray in Hawlihii shirarku weli ay ka sii socdaan dalka Sweden iyada oo uu isagu sheegay inuu u kicitimay magaalada Malmo isagoo halkaa ka sii wadi doono shirar kale.
Shirarkan oo aad muhiim u ahaa waxa suura geliyey hawl culus oo ay qabteen Cabdiraxmaan Jamac Ismaciil oo ka madax ah urur Samafal ah oo Sweden ka sameeysan iyo Ibrahim Adan oo ah nin reer Somaliland ah oo imika ka mid ah siyaasiyeenta dalka Sweden kuwaasoo muddo ka badan 8 bilood diyaarinayey hawshan.
FG: ciddii jecel inay ka bogoto khudbada uu David Shine ka jeediyay shirka ka dhacay Sweden, waxa uu iyadoo faahfaahsan ka helayaan cadadkii u dambeeyay ee wargeyska Somaliland Times.
Top
Gobolka Tog-dheer Oo Loo Magacaabay Badhasaab Iyo Badhasaab Xigeen Cusub |
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa shalay soo saaray xeer uu ku magacaabay guddoomiyaha gobolka Togdheer inuu noqdo Cabdi Xuseen Siciid (Dheere).
Xeerka Wasiirku soo saaray oo lambarkiisu ahaa 10/2003 ee soo baxay 9/03/03 wuxuu ku sheegay in markuu arkay qodobka 11aad faqraddiisa 5aad ee dastuurka iyo qodobka 12aad ee sharciga gobollada iyo degmooyinka, isagoo fulinaya amarka Madaxweynaha ee uu xaqiiqsaday baahida keentay in isbeddel lagu sameeyo maamulka gobolka Togdheer, isla markaana uu tixgeliyay talada odayaasha arrintani khusayso, wuxuu xeeriyay qodobka 1aad oo ah in gobolka Togdheer loo magacaabo Cabdi Xuseen Siciid (Dheere), inuu ahaado guddoomiyaha gobolka Togdheer, laga bilaabo taariikhda xeerkan.
Wasiirku waxa kale oo uu xeerkaa ku ogaysiiyay guddoomiyihii hore ee gobolka Togdheer, sidaa darteed waxa lagu farayaa inaad si deg-deg ah ula wareegto xilka laguu magacaabay ayuu yidhi. Sidoo kale, wasiirku waxa uu guddoomiyihii hore ee gobolka Togdheer Cali Cabdi Hurre, ku amray in si degdeg ah uu xilka ugu wareejiyo guddoomiyaha cusub.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu shalay soo saaray xeer kale oo uu ku magacaabay guddoomiye xigeenka gobolka Togdheer oo uu u magacaabay Guuleed Daahir Samatar inuu noqdo guddoomiye xigeenka gobolka Togdheer ee Burco.
Wuxuuna Wasiirku u cuskaday magacaabistan dambe qodobada uu u cuskaday magacaabida hore, marka laga reebo kala duwanaanshaha qodobada 20aad iyo 12aad ee sharciga gobollada iyo degmooyinka.
Top
C/Qaasim Oo Taageero Dhaqaale Uga Helay Dalal Carbeed Qabashada Shir Ka Dhan Ah Ka Nairobi |
Muqdisho (Haatuf): Hoggaamiyaha xukuumadda Carta, C/qaasim Salaad Xasan ayaa go’aansaday inuu ka baxo wadahadallada nabadaynta Somaliya ee ka socda duleedka magaalada Nairobi ee Kenya, taas oo carqalad ku keentay geedi-socodka shirkaasi.
Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, tallaabadan uu qaaday C/qaasim, waxa uu uga dan leeyahay sidii uu carqalad ugu abuuri lahaa una fashilin lahaa geedi-socodka shirkaas oo toddobaad kahor bilaabmay, waxaanay taasi ka dambaysay markii uu C/qaasim toddobaadkii hore kaalmo dhaqaale oo buuran ka helay Saddex dal oo carbeed oo kala ah; Sucuudiga, Qatar iyo Liibiya sida la sheegay.
Waxa kaloo warku intaa ku daray in sadexdaa dawladood ay midkiiba bixisay dhaqaale gaar ah, kadib markii ay dhegaysteen cabashooyin uu C/qaasim ugu gudbiyay shirkii dalalka Carabta ee horraantii toddobaadkan ku qabsoomay degmada Shirma-sheekh, isagoo ku cawday in dalalka Carbeed aanay fulinin ballan-qaadkii ay hore ugu bixiyeen shirkii ay sannadkii hore ku yeesheen dalka Lubnaan.
Sida warku sheegay, C/qaasim waxa uu lacagtan u adeegsanayaa sidii uu ugu kala deberi lahaa dadka ka qaybgalaya shirkaas si ay ugu kala yaacaan madasha shirka oo shirkuna u xidhmo, si gaar ahna waxa uu ugu soo jiidanayaa lacagtaa oo lagu qiyaasay malaayiin dollar dadka ka socda kooxaha kale si ay uga fallaagoobaan.
Sida la wada ogyahay xubnaha ka socday xukuumaddaas ayaa dhawaan qaadacay ka qaybgalka shirka, tan iyo markii laga soo wareejiyay Eldoret, loona soo raray Nairobi.
Sidoo kale, siddeed kooxood oo ah qaybaha kale ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay ka baxeen shirka iyagoo ka cabanaya sida loo qaybsaday wakiilada shirka oo ay ku andacoonayaan inaanay helin qaybtii ay xaqa u lahaayeen.
C/qaasim oo markasta diidanaa inuu shirkaa ka qaybgalo ayaa la sheegay inuu doonayo sidii uu uga faa’iidaysan lahaa mashaakilka carqaladda ku noqday geedi-socodka shirkaas, taas oo uu ku kasbaday dad farabadan oo sidiisa qaadaca shirkaas.
Sida ay sheegeen dad ku dhow-dhow C/qaasim waxa uu door-bidayaa shir uu ku qabto magaalada Muqdisho oo la mid ah kii hore uga dhacay Carta ee isaga lagu soo doortay, kaas oo uu u arko inuu majaraha u qaban karayo geedi-socodkiisa, waxaana la sheegay inuu C/qaasim haatan gacanta ku hayo maaliyadii awood ahaaan u suurtogelin lahayd sidii uu shir dhowaan ugu qaban lahaa magaalada Muqdisho.
Top
Ciraaq oo wada burburinta gantaalaha Al-samuud |
Baqdaad (W.Wararka) - Dawladda Ciraaq ayaa wada burburinta gantaalaheeda Al-samuud, iyadoo qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku burburinayso gantaalo dheeraad ah, waxaana la sheegay in ilaa iyo haatan ay burburisay Ciraaq 40 gantaal, tan iyo markii ay bilowday hawlgalkaas horraantii bishan.
Dawladda Ciraaq ayaa sheegaysa inay haysato boqol gantaal oo ah nooca Al-samuud, kuwaas oo ay Q. Midoobay dalbatay in dhammaantoodba la burburiyo iyadoo ku eedaysay inay dhaafsiisan yihiin xadka sharci ahaan la oggol yahay oo ah 150km.
Fulinta arrintaas oo ay Ciraaq bilowday waxa ka qaybqaadanaya baadhayaasha hubka ee ku sugan Ciraaq. Dhinaca kalena waxa socda hanjabaadaha la is-dhaafsanayo ee ku aadan dagaal lagu qaado Ciraaq, iyadoo dalal badanina ay kasoo horjeedaan.
Sidoo kale, waxa Caalamka ka socdo mudaharaadada lagu diidan yahay weerar lagu qaado Ciraaq, kuwii ugu dambeeyayna waxay ka dhaceen dalal ay ka mid yihiin Indooniisiya oo ay isugu baxeen dad lagu qiyaasay boqolaal kun oo qof, kaas oo lagu tilmaamay isu-soo bixii ugu weynaa ee ka dhaca Indooniisiya.
Top
Washington (W.Wararka) - Waxa soo baxaya digniino ku saabsan weeraro laga yaabo in ururka Al-qaacida uu ku qaado ciidamada Maraykanka ee ku sugan Khaliijka ee u diyaarka ah weerar ay ku qaadaan Ciraaq.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Maraykanka, hay’adda sir-doonka ee CIA ayaa soo saartay digniintan ay ku sheegtay in ururka Al-qaacida uu qorshaynayo weeraro uu ku qaado ciidamada Maraykanka haddii ay bilaabaan weerar ay ku qaadaan Ciraaq. Digniintan oo ay CIA kasoo saartay qoraal dhawr bog ah waxay intaa kudartay in Madaxda Al-qaacida ay qorshaynayaan sidii ay ugu dhex dhuuman lahaayeen dadka shicibka ah ee reer Ciraaq haddii uu bilaabmo weerarku, si ay dhabar-jab ugu geystaan ciidamada Maraykanka, balse af-hayeen u hadlay hay’adda CIA ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo macluumaadka lagu soo ururiyay warbixintan.
Top
"Ma Jiro Wax Miisaaniyad Ah Oo La’ii Buriyey Ee Miisaaniyadii Sanadkii Hore Ayaa wax Layga Dhimay" |
"Ma Jiro Madaar Xidhani Ee Madaarada Somaliland Way Wada Furan Yihiin" Wasiirka Duulilsta Hawada
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka gaadiidka cirka iyo duulista hawada, mudane Maxamed Cabdi-Dheere ayaa shalay sheegay inay madaarada Somaliland dhammaantood furan yihiin oo aanu jirin madaar xidhani, isla markaana waxa uu tafaasiil ka bixiyey qaybo ka mid ah kharashaadka wasaaradiisa ee miisaaniyadda 2003 oo hadda hortaal golaha wakiilada.
Wasiirka duulista hawadu waxa uu arimahaa kaga hadlay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, wuxuuna hadalkiisani daba socday warar iyo macluumaad uu wargeyska Haatuf hore u daabacay oo la xidhiidhay miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2003, taas oo meelo ka mid ah lagu xusay wasaaradda duulista hawada hadii ay tahay dhinaca dakhli soo saarka iyo hadii ay tahay dhinaca kharashaadkaba, taas oo uu wargeysku farta ku fiiqay meelo ay ka mid yihiin madaarada dalka qaarkood, kuwaas oo uu wargeysku tilmaamay madaaro aan shaqayn oo lagu tilmaamay meelaha uu dakhliga miisaaniyadda 2003 ka soo baxayo, laakiin wasiirku duulistu hawadu taa wuu beeniyey, isaga oo sheegay inay madaarada la xusay shaqeeyaan, isla markaana waxa uu ku dacwiyey inay soo saari karaan dakhliga la mala-awaalay inay soo saari doonaan iyo ka badan-ba.
Hase yeeshee wasiirku ugu horayn isaga oo tilmaamaya waxa uu dedefaynayo waxa uu yidhi, "Maalintii ay golaha wasiiradu ansixiyeen miisaaniyadda maalintii ka dambaysay maqaal miisaaniyadda ku saabsan oo ay daabacday jariiradda Haatuf, taas oo waxyaalihii ku qornaa ay ka mid ahaayeen in madaarada qaarkood ay xidhan yihiin, laakiin sida aad ogtihiin madaaradu waa dukaan, waana muraayaddii dalka, markaa waxaan filayaa ma wanaagsana in dukaan la dacaayadeeyo, waxa jira hayado caalami ah oo duulista diyaaradaha ah, kuwaasna waxa loo sheegaa inay madaaradaasi furan yihiin, laakiin hadii ay xidhan yihiin waa in loo sheego, jariiraddu waxay qortay inay xidhan yihiin madaarada Berbera, laakiin aan xidhnayn iyoa madaarka Boorame iyo madaarka Kalabaydh iyo ka Burco, kuwaas oo aan xidhnay, tusaale ahaan madaarka Burco oo kale bishii Jananweri, 2003 waxa ka soo degay 224 qof, sidoo kale xamuulka alaabta ee ka soo degay waxay ahayd 7625 KG. Sidoo kale madaarka Berbera waxa ka soo degay 102 qof. Waxa kale oo jariiradda ku qornaa inay wasaaradda duulistu ka Shidaal badan tahay ciidanka booliska, laakiin maalmaha qaarkood 21 diyaaradood ayaa ka soo dega madaarka Hargeysa oo kale, markaa diyaaradaha madaarada ka soo degaya ama ka dhoofaya waxa hoos carara baabuur dab damis ah, kuwaasna shidaalkoodu wuu badanayaa, ta labaad marka miisaaniyad la samaynayo wasaarad waliba iyada ayaa miiisaaniyadeeda soo qadimanaysa, iyadoo ay maamulka sare ee wasaaradaasi eegayaan baahidooda sannadka soo socda waxa ay tahay, ka dibna way qoranayaan, maalin kasta waanu kabnaa waxyeelada soo gaadha madaarka, laakiin halka aan hibanayaa waxay tahay inaan madaar furan la odhan oo aanay jaraa’idkeenu qorin waa xidhan yahay, waayo taasi waxay na keliftay inay diyaarado na waydiiyaan oo ay yidhaahdaa madaar hebel miyuu xidhan yahay. Tusaale ahaan madaarka Kalabaydh oo kale markii aan wasaaraddan imi wuu xidhnaa, laakiin waan furay, taas oo aanu u furay in marka loo baahdo la isticmaalo iyo inaanu dadka shaqo u abuuro oo aan la odhan diyaaradaha meel qudha ka soo wada dega"ayuu hordhicii hadalkiisa ku soo xidhay wasiirku, laakiin weriyayaashii shirkaa jaraa’id ka soo qayb galay ayaa su’aalo ka waydiiyey wasiirka mawduuca uu ka hadlay iyo guud ahaan adeegyada wasaaradiisa, waxayna su’aalahaasi u dhaceen sidan:
S: Waxa la xusay in dakhliga ay wasaaradda miisaaniyaddu mala-awaashay inuu ka soo baxayo madaaro aan shaqayn ama ay shaqadoodu yar tahay, taasi miyaanay jirin ?.
J: Anigu taa waaban ka xanaaqsanaa oo halka ay saddex bilyan qoreen waxaan lahaa may lix bilyan ka dhigaan maxay kuugu yareeyeen dakhliga aad soo xerayn lahayd, mid kalena waan xusayaa miisaaniyaddii sannadkii hore boqol milyan ayey iiga dhacday miisaaniyaddii, iyadoo aanu wax ka qabanay madaarka Boorame, ka Berbera, ka Burco iyo ka Hargeysa oo aanu kabnay (dhisme).
S: Masalan dakhliga ay wasaaradda maaliyaddu ku qortay madaarka Kalabaydh oo kale ma soo baxayaa ?.
J: Inkasta oo ay su’aashaasi ku wanaagsanayd wasaaradda maaliyadda, hadana hadii aan kaaga jawaabo waxaan leeyahay wasaaradda maaliyaddu madaar-madaar uma ay qaaddan ee waxay qaadatay iyaga oo isku duuban, waxaana filayaa dakhliga lagu qoray inaanu mid ka badan ka soo saari doono.
S: Hadalkaaga waxa ku jiray inaad booliska ka Shidaal badan tihiin, waayo miyaad ka shaqo badan tihiin ?.
J: Maan odhan booliska waanu ka shaqo badanahay, laakiin waxaan odhan karaa boolisku isagaa og shaqadiisa oo miisaaniyadda uu rabo wasaaradda maaliyadda u gudbista, aniguna tayda ayaan garanayaa, ka dibna wixii ay madaaradaydu u baahan yihiin ayaan qadintay.
S: Marka aad miisaaniyadda dal-banaysid wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradda duulista hawadu miyaanay ka wada tashan oo aanay isla eegin qiyaasaha ka soo bixi kara madaarada ?.
J: Wasaaradda maaliyaddu waxay qiimaysaa jaangoyntii sannadkii hore, taas ayaa laga Shidaal qaadanayaa, ta kale aniga ila tashan maayaan ee waxay qaadanayaan dhukmantiskayaga.
S: Qoladiina wasiiradu waxaad hadashaan marka jaraa’idku wax idinka qoro ama marka ay saxaafaddu idin taabato ayaad shir-jaraa’id qabataan, laakiin maxaa idiin diiday inaad xiligaa ka hor warar bixisaan ?.
J: Horta saxaafadda xorta ahi way wanaagsan tahay, waayo saxaafaddu waa inay dhaliishayda ii sheegto, laakiin dhaliishu waa inay ahaato mid I saxaysa oo goldalooladayda sheegaysa, balse waa inaanay noqon mid iska kay maagaysa. Ta kale marka aanu saxaafadda u hayno war muhim ah waanu u sheegnaa.
S: Imisa madaar oo aan shaqayn baa jira ?.
J: Ma jiro madaar Somaliland ah oo aan furayni, laakiin waxaan ku odhan karaa waxa jir madaaro Somaliland ah oo aanay wax badani naga soo gelin.
S: Kuwee baa ka mid ah madaarada aanay waxba idinka soo gelin ?.
J: Madaarada aanay waxba naga soo gelin waxaan filayaa inay yihiin qaar aad adiguba (Weriyaha) garan karayso.
S: Waxa jirtay shirkad ajnebi ah oo aad dhowaan la gasheen heshiis ah inay maal-geliyaan madaarada Hargeysa iyo Berbera, xagee bay hawshaasi maraysaa ?.
J: Weli may iman, laakiin waxaanu rajaynaynaa inay mustaqbalka dhow yimaadaan, maantana qolyo EU-da ah ayaa eegis ku samaynayaa madaarada.
S: Kharashkaaga miisaaniyadda ee sannadkan waxaad moodaa inuu aad u buurran yahay, taana waxa lagugu xantay in lagu siiyey sed-bursiinyo, taa maxaad ka odhan ?.
J: Horta waxaad eegtaan miisaaniyadaydii sannadkii hore ee 2002, taasna hadii wax laygu daro ayaa wax lay buriyey, laakiin waxba layma kordhin ee wax baa layga dhimay.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 100 aad
Mingistu: Ba’alu Girma waxaan ku idhi "Waad rumaysatay inaad qalad samaysay, laakiin waan dareemayaa inaanad uga jeedin kacaanka ku xumee, hase yeeshee xilka aad hadda hayso ma jirto sabab aad xilka u sii hayn kartaa, waayo marka kasta oo kale laga tago cadaw badan ayaad adigu gacantaada ku abuuratay, anagana dhibaato aad u weyn ayaad noo geysatay, balse sida aya doonto ha ahaatee iminka orod oo gurigaagii iska tag", ka dibna markii aan intaa ku idhi ayaanu kala dhaqaaqnay , intaa ka dibna Ba’alu waxa loo qoray waraaq lagu ogaysiinayo in xilkii laga qaaday, sidaa ayuuna xilkii kaga wareegay, laakiin xilka ayuun baa laga wareejiyey ee shaqadii lagama ruqsayn, balse isaga laftiisii ayaa yidhi "Waxa la ii qaatay inaan khibradayda ku shaqaysto", ka dibna waxa lagu yidhi "Hadii aad sidaa doonayso oo uu rabitaankaagu sidaa yahay ma jirto cid iska kaa hortaagaysaa", sidaas ayuuna yeelay, sidaa awgeed anaga iyo isaga hawlihii naga dhexeeyey iyo xidhiidhkii aanu lahayn sidaa ayuu ku kala go’ay.
Laakiin waxoogaa yar markii uu naga sii maqnaa ayaa waxa soo baxday sheeko leh "Waxa la waayey Ba’alu Girma", taas oo la ii soo sheegay, waxaana ii yimi oo igu yidhi "Ba’alu Girma ayaa la la’yahay" ninka la yidhaahdo Tasfaaye Gabra Salaase, dabadeedna anigu waxaan u maleeyey inuu dalka iskaga baxay oo uu fakaday, balse markii aan idhi halkee buu tegay waxa laygu yidhi "Lama garanayo, laakiin waa la la’yahay uun".
Ba’alu Girma aniga iima uu sheegin inuu tegayo, laakiin hadii uu baxsado kulama aan yaabin, sababta oo ah dad badan oo xisbiyada ka tirsanaa ayaa la coloobay, markaa hadii uu is yidhi dalka iskaga tag oo dalalka kale ee caalamka meel aad ku noolaatid ka raadso taasi wax lala yaabo ma aha, sidaa darteed anaguna maanu odhan waa maxay sababta uu u fakaday, sidaas ayeyna sheekadiisu ku dhamaatay, waayo inuu fakado anigu waan ka filayey, balse meel kasta oo uu tago waa xaqiiq inuu anaga naga sheekayn doono, waxaana aaminsanaa inaan goor ay noqotoba maalin uu ka maqli doono Ba’alu oo idaacad ka hadlaya ama isaga oo buug kale soo qoray, dabadeedna muddo ayaan sugayey bal inaan maqlo Ba’alu Girma oo ay wuxuun ka soo yeedheen ama ka soo baxeen, laakiin waxba waan maqli waayey, waxaanse maalmo dambe maqlay iyadoo la leeyahay "Ba’alu meel alaale meel uu maray lama hayo oo xataa ehliyadiisu way ku daaleen raacdadiisa", laakiin hadana Wubaanji (Xaaskii Mingistu) ayaa magaalada ka soo maqashay sheeko lagu hadal hayo ninkaa, iyadoo tidhi "Waxa la lahaa ninkaasi halkee buu gaadhi karaa, dayaxa miyuu tegi karaa, ta kale hadiii fakaday meel uun baa lagu sheegi lahaa", ka dibna inta aan iswaydiiyey "Wax kaleba iska dhaafoo xataa qoyskiisu sidee bay meel uun ugu sheegi waayeen", ayaan u yeedhay Tasfaaye Walda Salaase, waxaana ku idhi "Ninkan (Ba’alu) waxaad sheegteen in la la’yahay, sidee baad taa ku ogaateen iyo goorma ayuu halkan ka tegay markii aan ku waydiiyey waxaad igu tidhi inuu fakaday waxaanu ku soo ogaanay isaga oo aan gurigiisa joogin, isla markaana magaalada ka maqan, taas markii aanu ogaanay ayaanu garanay inuu fakaday, maxaad war ka haysaan", laakiin Tasfaaye wuxuu igu yidhi "Inaanu magaalada joogin waanu soo ogaanay iyo inay qoyskoodu raacdaynayaa, balse ma garanayno meel uu jiro", hase yeeshee hadalka uu igu yidhi Tasfaaye waan rumaysan kari waayey, waxaanu iswaydiiyey "ma isaga oo caafimaad qaba oo meel kale jooga ayey xaaskiisu had-ba meel ka raacdayn lahayd, ta kale isaga oo aan waxba u sheegin xaaskiisa, caruurtiisa, hooyadii iyo qoyskiisa sidee bay u dhici kartaa inuu iska maqnaado, taasi waxay muujinaysaa inaanu nabad qabin ee ay wax gaadheen, laakiin maanu hayn wax cadayn ah oo xaqiijinaya inay wax gaadheen", dabadeedna Tasfaaye ayaan mar kale su’aalay "Tasfaaye waxan aad ii sheegtay ma run baa", ka dibna waxa uu igu yidhi "Haa waa run".
In muddo ah ayaa laga war-sugayey Ba’alu bal in wax war ah laga helo, laakiin cid mar qudha leh "Anigaa Ba’alu arkay" waa la waayey, meel kastana waa laga raacdeeyey, markaa mar baanu maqalay waa la dilay, balse run ahaantii xubnihii dhergigu way u wada cadhaysnaayeen, waxayna ka haysteen fekrad xun, sidaa darteed waa laga yaabaa nimankii u cadhaysnaa inay Ba’alu talaabo ka qaadeen, laakiin anigu inay taasi dhacday ma ogi, inkasta oo aanay qiranayn inay falkaa geysteen, laakiin waxaanu iswaydiinay sidee baa loo hubin karaa, hase yeeshee safiirkii noo fadhiyey dalka Sweden Janaraal Taaye Dilaahum ayaa naga falaagoobay oo naga goostay, ka dibna janaraal Taaye Dilaahum markii ay saxaafaddu dunidu waydiisay sababta uu dalkiisa uga falaagoobay waxa uu sheegay inuu ka soo horjeestay dilidii Ba’alu Girmam, dabadeedna markii aan sidaa maqlay ayaan doonay inaan iskay u ogaado cidda falkaa geysatay ama ka dambaysay, laakiin cid kasta oo aan waydiiyo Ba’alu inay wax ka ogyihiin waxay iigu jawaabaan "ninkaa Ba’alu cadaw badan ayuu yeeshay, balse ma hayno wax xaqiijinaya inuu falkaasi dhacay oo la dilay, qofkastaana iskii ayuu u shakisan yahay oo uu is leeyahay malaa waa la dilay, laakiin wax cadayn ah lama hayo", waxaase dhacday in magaalada (Adis-ababa) laga sheekaysto Ba’alu Girma waa la dilay, sidoo kalena Saara iyo Hiiwat-na waa la dilay.
Si kasta ha ahaatee kiisaska iminka nala saarayo waxa ka mid ah dilkii Ba’alu Girma, laakiin Itoobiya gudaheeda dadka colaaddu ka dhexaysay ha noqoto colaad shakhsiya ama ha noqoto colaad siyaasadeed ee sidaa ku naf-waayey cidaa ayey ka badan yihiin, markaa Ba’alu Girma-na kuwaas ayuun buu la mid yahay...
La soco cadadka dambe
Top
Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 1aad
Biixi waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah, wuxuuna bilowgii noloshiisa ku soo qaatay miyiga, isaga oo ku dhashay duleedka tuulo yar oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, tuuladaasina waxay xiligaa fadhiyey ciidamadii Itoobiya, laakiin iyadoo ay da’diisu waxoogaa tahay ayuu soo galay magaalada, balse markii uu muddo joogay maagaalooyinka Somaliland qaarkood ayuu beri dambe u gar-gudbay xagaa iyo magaalada koonfurta fog ee Somaliya ku taal ee Muqdisho, halkaasna waxa uu ka galay iskuul.
Biixi waxa uu ka dhashay qoys reer miyi ah oo xoolo-yarow ah (danyar ah), laakiin dhulka oo had iyo goor ahaan jiray seben barwaaqo ayaa Biixi reerkooda u saamaxay inay noloshoodu noqoto mid aan yaxyax lahayn oo meel dhexaad ah. Biixi markii uu magaalada galay waxa uu ku hamiyey inuu wax barto si uu isaagiisa magaalada wax ula qaybasado, sidaa darteed waxa uu geed dheer iyo geed gaaban-ba u fuulay sidii uu uga midho dhalin lahaa gaadhista hadafkiisa ah inuu cilmiga meel sare ka gaadho iyo inuu magaalada ka barto xirfad uu ku shaqaysto. Hase yeeshee maadaama uu ahaa wiil yar oo magaalo soo galay, isla markaana uu ka soo jeeday qoys reer miyi ah oo xooloyarow ah way ku adkayd duruufta nololeed ee magaalada, mana jirin cid gacan qabanaysay, wuxuuse dugsan jiray samir badan iyo calool-adayg, taasina waxay inbadan u suurta gelisay inuu wax badan xamilo waayo-adag oo nololeed.
Biixi waxa uu ahaa wiilka keliya ee uu Aabihii Mooge dhalay, laakiin waxa iyana arin xiise leh ahayd inuu Biixi Aabihii isna ahaa maddi uu Aabihii keligii wax rag ah dhalay, sidaa darteed Biixi maadaama uu ahaa maddi ay Aabihii iyo hooyadii keligii wax wiilal ah dhaleen waxa uu ahaa wiil ay Aabihii iyo hooyadii si aan la arag oo la maqal u jeclaayeen, laakiin nasiib daro Biixi qoyskooda duruufta nololeed uma saamaxayn inay wiilkooda ay jecel yihiin xanaaneeyaan ama ay u qabtaan waxa uu u baahan yahay.
Waqtigu waa hadhkaa labadiisa gelin, xiliguna maalin-ba waa cayn, sidaa darteed Biixi dedaalka uu ugu jiro halganka nolosha waxa uu ku hamiyayaa in hadii uu dedaalo ay xaaladiisa nololeed wax iska bedeli doonaan, wuxuuna u xusul-duuban yahay sidii uu duruufaha nolosha ula tacaali lahaa. Laakiin sida la ogyahay noloshu way wejiyo badan tahay, qofka aadamaha ahna subax-ba wax baa waagu ugu beryayaa, waxaana laga yaabaa inuu qofka halganka nolosha kala kulmo ama si kale hadii aynu u nidhaahno ay isu bed-bedelaan, Farxad iyo naxdin, Abaar iyo barwaaqo, Cudur iyo caafimaad, Masiibo iyo Jimcoonaan, Colaad iyo nabad, Gaajo iyo Dhereg iyo waxyaalo kale oo la mid ah, taasna waxa laga yaabaa inay mid waliba hoosta kaga lifaaqan tahay ma hadhooyinkeedu.
Biixi Aabihii Mooge inkasta oo lagu naanaysi jiray "Waraabe-go’le", taas oo macneheedu yahay inuu ahaa nin aan xagga quruxda lagu majeerran, hadana Biixi ma ahayn nin fool-xumo lagu majeerto, wuxuuna ahaa nin midabkiisu yahay madaw dhalaalay oo uu jinnigu debedda ka jooga, waxa uu lahaa sanqaroor dheer iyo hilib isku jooga oo uu ad-adayg nin-nimo ku ladhan yahay, laakiin waxa uu ahaa nin lagaga fiican yahay ama lagaga af-dheer yahay xagga kaftanka hooska tuurka ah iyo haasawaha dhaadheer, wuxuuna ahaa nin af-gaaban, balse waxa uu ahaa nin caqli badan oo uu ilaahay siiyey maskax garaad ku dheehan yahay, taasina waxay u saamaxday inuu nin wax kasta oo uu arko ku dhega, isla markaana dhinaca waxbarashada da’diisa shan farood iyo calaacal dheer. Isla markaana waxa uu noqday nin ku digojebiyey noloshii magaalada oo aad ula tacaalaya dhinaca quruskiisa iyo dhinaca waxbarashadiisaba. Laakiin ilayn Inan rag looga taag-waa damac iyo dareen wax xiloodis, sidaa darteed Biixi waxa uu maalintii dambe isha ku dhuftay bahal gabadh ah oo luqun dheer oo meel hadaafaysa, ka dibna markii uu cabaar isha la raacay ayuu qalbiguna u bohol-yoobay ileyn inan-rag haween wax loo saarye. Gabadhaa waxa magaceeda la odhan jiray Xayaad Cabaade, balse maalintaa isaga oo aan af iyo adin toona la gaadhin ayey ka libidhay, laakiin isha ayuu aad ugaga bogtay oo mar kale hadii ay ka soo hor-baxdo kama lumayso, ta kale cabaar ayuu sii dabagalay si uu u hilaadiyo bal halka uu beydkeedu ku ogog leeyahay, isaga oo taa uga dan lahaa inuu ogaado halka ama jiidda ay baadida u tahay, iyadoo ay taa ku kelifayso bohol-yohow jacayl oo markiiba sida hindhisada kro u rooray...
La soco cadadka dambe
Top
Garta xeer-beegti iyo xeerarka somalida |
Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub
Q: 1aad
Odayaasha iyo xeerbeegtida maanta nool ee garaha qaada ama doonaya inay qaadaan waxaan jeclaan lahaa inay ka faa’iidasytaan mawduucan.
Somalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka wanaagsaana shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn cid isu garaabaysa iyo cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan.
Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa:Garaw, Dhaahin, Xaal, Muslax, Gar-cadaawe, gar-shareeco, gar-xeerbeegti, Gar-booli, Gar-jilaad iyo qaar kale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.
Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.
Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe.
Somalida badideedu maadaama ay suugaanta hodan ku ahayd, isla markaana ay suugaantu ahayd waxay suugaanta u isticmaali jirtay garaha, sidaa darteed bal aynu waxoogaa ka taataabano suugaanta garaha loo isticmaali jiray iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka Somalida iyo kuwa xeer-ciqaabeedka ah, cidda xeerka jebisa sida laga yeelayo...
La soco cadadka dambe.
Top
Golaha Deegaanka Hargeysa oo Is-Hortaagay Magacaabista Xoghayaha Cusub |
Waxa ka doodeen in guno $400 - $500 ah la siiyo xubnaha Golaha
Hargeysa (Haatuf): Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa kalfadhi ay yeesheen maalintii sabtidii gaashaanka u daruuray go’aan uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ku magacaabay Maxamed Aw Aadan inuu noqdo Xoghayaha Fullinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Sida ay ku muujiyeen qoraal ay shirkii sabtidii kadib ay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, goluhu wuxuu go’aankisan u cuskaday sababo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen in ninka loo magacaabay inuu qabto jagada Xoghayaha Fullinta ee Maxamed Aw Aadan aanu lahayn waayo-aragnimadi looga baahnaa inuu yeesho qofka xilkan qabanayaa.
Goluhu wuxuu cadeeyay in inkastoo uu Maxamed Aadan gudoomiye ka ahaa Waax ka tirsan D/Hoose ee Hargeysa (Waaxda Koodbuur), balse aanay taasi ahayn inuu u qalmo inuu noqdo Xoghaye Fullineed. Isaga oo dhaliiil ka muujinaya habka loo soo magacaabay Xoghayaha cusub, Golaha Deegaanka Hargeysa wuxuu qoraalkiisan ku sheegay in Maxamed Aw Aadan uu horeba uga tirsanaa hawl-wadeenada Dawladda Hoose, balse aanu ka mid ahayn Wasaarada Arrimaha Gudaha ee sida uu dhigayo Xeerka Is-maamulka Golaha Deegaanadu ay tahay in qofka noqanaya xoghayaha fullinta Gole Deegaan laga soo dhex magacaabo shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Gudaha.
Sida ay noo sheegeen dad ka mid ah kuwa indha-indheeya arrimahani, mawqifkan Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa suurto-gal ah inuu ku dhasho muran xoog leh oo dhinacyo kala duwan saameeya, iyada oo beesha uu ka tirsan yahay ninka jagadan loo magacaabay aanay xubno kaga soo bixin doorashadii dhawayd ee Golaha Deegaanka Hargeysa, waxaana loo arkayay magacaabista Maxamed Aw Aadan in ay ahayd isu-dheelitir maamul oo ku salaysan qaab deegaan.
Dhinaca xubnaha Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa kalfadhi ay yeesheen khamistii iyo sabtidii kaga dooday guno la siinayo xubnaha Golaha oo tiradoodu tahay 25-qof. Doodan waxa ka soo dhex baxay laba aragtiyood oo kala ah; in gunadu kalfadhi kasta oo goluhu yeesho noqoto $500 oo doollar ama $ 400 oo doollar. Hase yeeshee, siday warar xog-ogaal ahi noo sheegeen goluhu weli arrintaas kamuu gaadhin go’aan kama-dambays ah.
Top
Wasiirka Daakhiliga Iyo Maayarka Hargeysa Oo Midba Dhinaciisa Ka |
Magacaabay Gudoomiyaha Waaxda Kood-buur
Hargeysa (Haatuf) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Eng; Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa 6-dii bishan March soo saaray laba qoraal oo uu mid ku magacaabay gudoomiye cusub oo ay yeelato waaxda Koodbuur, jagadaas oo u magacaabay ninka magaciisa la yidhaahdo Yuusuf Aadan Taani, halka ay qoraalka warqada labaad ay ahayd xeer ay wasaaradiisu u soo samaysay maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, xeerkaas oo ah sida la sheegay xeerka caasimadda Hargeysa inkastoo arrintaas xeerka aan laga hayn xogo dheeraad ah, laakiin mar aanu telefoonka kula xidhiidhnay maayarka caasimada ahna gudoomiyaha golaha deegaanka Eng: Xuseen Maxamed Jiciir waxa uu noo sheegay inuu wasiirku nuqul ka mid ah xeerkaa soo gaadhsiiyay, mar aanu waydiinay maayarka inuu sharciyan awood u leeyahay wasiirku waxa uu sheegay inaanu xaq u lahayn inuu xeer u soo sameeyo maamulka dawladda hoose, laakiin uu xaq u leeyahay dawlad dhexe ahaan wixii talo ah, iyo magacaabista xoghayaha fulinta dawladda hoose, iyo gudoomiyaha gobolka.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ahi habeenkii sabtidii kulan laga yeeshay arrintaa, iyadoo lagu qabtay kulankaa madaxtooyada ayna ka qayb galeen madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha, duqa caasimada iyo ku xigeenkiisa, sida la sheegayna arrintaas wax xal ah kamay gaadhin.
Ka dib maalintii doraad ayuu maayarka caasimadu uu isaguna si ku meel gaadh ah ugu magacaabay gudoomiyaha waaxda Koodbuur isaga oo magacaabay Muuse Xasan Faarax oo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka waaxdaas, isaga oo si ku meel gaadh ah labada xilba u sii haynaya, taas oo ka hor imanaysa qoraalkii uu hore u soo saaray wasiirka arrimaha guduhu, ee u ku magacaabay gudoomiyaha waaxda Koodbuur.
Arrintani waxay noqotay inay ku dhamaato in la qaato magacaabistii maayarka iyadoo uu doraad xilka la wareegay gudoomiyaha cusub ee uu magacaabay duqu, isaga oo xilkii kala wareegay gudoomiyihii hore ee waaxdaas Maxamed Aw Aadan Wayrax.
Arrintani sida muuqata waxa ay soo saartay muran dhinaca awooda ah oo ka dhex aloosmay wasiirka arrimaha gudaha iyo golaha deegaanka Hargeysa, maadaama ay duqa iyo wasiirku kala magacaabeen laba gudoomiye waaxeed, inkastoo markii dambe arrintu noqotay magacaabistii maayarka.
Top
Mujaahid Cumar Hala Caawiyo |
Bulshada reer Somaliland gudo iyo debed-ba, gaar ahaan dadka ku dhaqan Burco iyo Hargeysa waxaanu si xushmad leh uga codsanaynaa shicib iyo dawlad-ba in caawimo loo fidayo mujaahid Cumar Cabdi (Cumar-asqo), taas oo uu u baahan yahay dhakhtar debedeed, maadaama uu xanuunsanayo, isla markaana aanu haysan wax dhaqaale ah oo uu isku daweeyo.
Maxamed Saleebaan, Jaamac Axmed,
Aadan Samatar, Saleebaan Cabdi, Maxamed X. Cabdi iyo Xasan Mataan.
Top
Xukuumaddu Wax Ha Ka Qabato |
Aniga oo tixraacaya Wargayska Haatuf Cadadkiisii ahaa 283 Vol :2 soonabaxay 7-badii bisha 2003 Aniga oo ku halqabsanaya maqaalkii uu qoray Guddoomiyaha Degmada Lughaya ee ka hadlayay Faratgalinta Wasiirka Arimaha Gudaha ayaan aniguna waxaan ku kabayaa xogogaalka aan ka hayo loolanka siyaasada ee ka socda Degmada Lughaya & Degmada Bulaxaar loolankaa oon qabo in uu colaad iyo dagaal u horseedayo Beelaha Degmooyinkaa degan, haddii aan laga hortagin hadaba aan u dhaadhaco ujeedada aan watay waxa jirtay waagii hore ee aan la maga cabin degmooyinka ha ahaato Dowladii Siyaad Bare oo 70-nadii Magacawday degmada lughaya ama ha ahaato gooni isku taagii Somaliland oo Xukuumada ay magacawday Degmooyin Cusub oo ay ka mid yihiin Degmada Bulaxaar iyo Daarasalaam, waxa jirtay intaan Degmooyinkaa la magacaabin waxa xeebta waqooyi xukumi jirtay Degmada saylac oo markaa Xukumay Tuulooyin farabadan oo ka xiga Hargaysa kuwa usoo xiga ay ka mid ahaayeen Boodaale Isa-sudhaan, Ceellahelay,. Bildhaalay, hodoba markii la magacaabay Degmada lughaya ayaa Xukuumadii markaa jiray ay u xadaysay ay Saylac iyo Lughayi kala xukumaan markaa Dhulka degmada Lughaya loo xadeeyay waa dhulka uu ka socdo loolanka siyaasada ee ay wadaan dad dangaar ah leh markaa dhulka lughaya loo xadeeyay wuxuu 21-tuulo waxa degaanka bari xiga ee lughaya tuulooyinka ah Sabawanaag Cabdigeedi, Ceelsheekh Ceellehelay, Bildhaalay, Isasudhan, Hulka, Boodaale, markaa 8-deedaa tuulo waa bariga 13-ka tuulo ee kalena waa galbeedka hodoba markii Xukumada S/land ay magacawday gobolka saaxil waxa iyana la magacaabay Degmada Bulaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil hadoba dhul ahaan waxa xeebta waqooyi ka jira 3-daa Degmo ee ka ah Saylac, Lughaya & Bulaxaar hodoba looma xadayn degmada bulaxaar iyo lughaya waxaana hawsheeda laga sugayaa Xukuumada S/land hadoba dhulkaa aanu soo sheegnay hadaan tafaasiil ka bixino Magaalada la yidhaahdo Ceel sheekh waxay Bulaxaar u jirtaa 17km Ceelahelayna wax uu u jiraa 38km Boodaale iyo Bildhaalayna waxay u jiraan 45km hadoba dhulka waxa uu lughayana u jiraa 86km-96km inta ka bacdi waxay dawlada s/land magacawday Degmada Daarasalaam oo hargaysa u jirta 12km hadoba Degmadaa Daarasalaam ayaa u bu’aysa Dhulka ka hooseeya ee xeebta waqooyi oo u jira 190km oo ay yidhaahdaan waxaanu xukunaa Boodaalay ilaa Cadbid Geedi cabdi Geedina waxa uu Lughaya u jiraa 18km markaa miyaanay ahayn waali aan caqliga galin iyo riyo waa aniga oo yidhaahda degmada gabilay ayaa xukunta Daragodlah miyaanay waali ahayn hadii aanu nahay dadka degaanka waqooyi marnaba Colaad ku beerimayno dadka aanu ku wada noolnahay dhulkaasi oo odhan mayno waxa naloo magacaabay Degmada Bulaxaar ee lughaya nalaga xumumi mayo ee waanu ogolnayay in ay Lughaya iyo Boorama na xukunto waxaanay xeebtaa waqooyi kala xukuma gobolka awdal iyo gobolka saaxil dhukana waxa kala xadeeya xukuumada jirta ee ma kala xadeeyo dad caadifad saar & qabiil wada xaqna waxaanu u leenahay in aanu iska sharaxno degaanka awdal ee naxukuma iyo ka saaxil haday golayaal tahay iyo haday baarlamanka tahayba markaa ninka manta diidan ee leh lughaya nalaga xukumi mayo waaniman xuman wada iyo dadnac waxaana dhici karta boorama oo iyana tiraahda Hargaysa nalaga xukumimaayo markaa miyaan khal khal lagu abuurin umada iyo dalka. Hodoba sidii la ogyahay waxa dalkeena ka dhacay doorashadii degaamda hodoba goobihii sanaaduuqda la geeyay oo ahaa 21 goobood ayaa markii subixii codbixintu ay dhacday ayaa dad hargaysa ka socda oo Baabuur wata ay soo afduubeen sanaaduuqdii goobahaa taalay iyo inamadii sanaaduuqda hayay markaa ciidamadii ilaalinayay markii ay arkeen in dagaal ka dhacayo ayay faraha ka qaadeen oo ay sanaaduuqdii xaga hargaysa ula soo kaceen nimankii soo qaatay markaa ciidankii waxay ku noqdeen degmadii lughaya oo ay warki siiyeen deedna lughayina watii la soo haday hargaysa deena waatii nimankii lagu qabtay dawgacad ee waqooyiga markaa ka bacdi waatii lughayina amar ku bixisay in nimankaa la xukumo oo la xidho sanaaduuqdana halkoodii nagu soo celiyo oo codbixindanbe laga qaado oo aanay kujirin degaamada kale ee dalka J/s/land sidaana way u dhacday oo maalinta labaad ayaa laga codeeyay hodoba iyadoy maantana soo dhawdahay doorashadii Madaxwaynaha & M. ku xigeeka hodoba tii boobkii oo kale ayaa laga wadaa oo ka socota oo nimankii arinka hore fushaday may hadhin oo dadkii ka dhex aloosayaan in ay yidhaahdaan xukuumadii ayaa imanaysa ee waxa tiraahdaan waxa aanu doonaynaa in nalaga xukumo daarasalaam sidaa daraadeed waxa aan Madaxwaynaha & Madaxwayne ku Xigeenka ku Wargalinayanaa in hawlahaa si degdeg ah wax looga qabto intaa aan doorashadu dhicin amarna la siiyo gudoomiyaha darasalaam iyo cida dabada ka wada oo la yiraahdo ku eekow tuuladaada hadii hadii degmooyin wax loo qaybinayana waxa loo qaybin karaa Bulaxaar iyo Lughaya sidaa daraadeed waxaan ku wargelinayaa/Codsanaynaa Xukuumada sharafta leh in ay tiraahdo daarasalaamay ku eekow aagaaga oo dadka hawshaa /arimahaa ku shaqaynayana xukuumadu il foojigan ku eegtaa dalkana waxa loo igmaday Madaxwaynaha & ku Xigeenka & Golayaasha ee looma igman wasiirka.
Faarax Siciid Carte {Faarax Shii}
Hargeysa
Top
|