Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 287 March 14, 2003

Sidee Bay U Dhici Kartaa Doorasho Xalaal Ahi

Rayaale

Wasiirka daakhiliga oo iska leexiyey eedo loo jeediyey

Abaaro iyo biyo la’aan ka jirta degaamada Gebilay

Iftiinka Islaamka

Xoolo Huno

Talooyin Ku Socda Madaxda Warshada Xooga Korontadda Dawladda

Waxa Amakaag Iyo Yaab Keenay Ereyada Ambassador Cawil Ka Yimid

REER TIRO LAMUGU KOOBI KARO INTAAD TAQANAN MAHA

Shicibyahow Wanaagsani

Cayda Siilaanyo ma lacag baa lagu bixiyaa

Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga


Sidee Bay U Dhici Kartaa Doorasho Xalaal Ahi

Hargeysa (Haatuf) - "waxa lagu heli karayaa doorasho xalaal ah iyadoo cid dhex dhexaad ah oo aan garabna axsaabta ku xidhnayn oo u xaglinayn marka la helo waa la helayaa doorasho xalaal iyo cadaalaad ku dhacda." Sidaa waxa yidhi Yuusuf Xasan Xayd oo isaguna ka jawaabayay sida ay doorasho xalaal ahi ku dhici karto.

Chief Caaqil Maxamed Maxamuud (Indha Case) oo ka mid ah cuqaasha Somaliland gaar ahaan gobolka Saaxil, wuxuuna caaqilku ku jawaabay "Horta Ilaahay baa cadaaladda haya, marka xiga waxaan qabaa in doorashadaa fooda inagu soo haysa in ay dhacdo waqtigii loo cayimay waayo, wixii kale ee loo dhaafaa waa wax aan jirin, waxa kale oo aan ku talinayaa doorashadaasi marka ay dhacayso waa in laga digtoonaadaa in aan dareenkii shalay markii doorashadii hore dhacday ee la tabanayay in ay cadaalad darro dhacday in aanay dhicin oo hadday tahay komishanka oo masuul ka ah ilaalinta iyo hubinta xaaladda xog-ogaal ee cadaaladda xil iska saaro, hadday tahay xukuumadda oo hadeer la leeyahay ama horeba loo lahaa waxa ay isticmaalaysaa hantidii iyo awoodii ummadda, gaadiidkii ummadda si kastaba ha noqotee xukuumadduna waa in aysan u adeegsan sida dadku leeyihiin ama la qabo wax sharci darro ah wixii ay dadka ugu dhaxayn lahayd waa in loo adeegsadaa isla markaana waa in ay dhacdaa oo waxaa dhacday gobolada qaar shalay markii foodka la eegayay ama dhulal badan waa laga aadayaa baa la yidhi sida xaqiiqdu tahay la hubo siday ku dhacday ilaa hadda la garan maayo ama waa ayaan darro ilayn xisbi kastaba in ay cid gaystaan bay ahayd dawladduna ay xil isa saarto bay ahayd dhulkii shalay caalmadu saarnayd ee Aadan Yabaalka lagu sheegay si aanay mar labaad u dhicin waa in dhinac walba hay’adaha laftoodu culayska saaraan, doorashaduna waa lagama maarmaan in ay dhacdo, shalay waxaanay ka dhicin gobolada dalka Somaliland qaar ka mid ah baanay ka dhicin waxaana u arkaa in ay sababta ay uga dhici wayday ay tahay duruufo jiray aawadood waxaana marka hore aad iyo aad u filayaa in ay dalka ka wada dhacdo, Somaliland haddii aanay iman duruuf qayral caadi ah oo aanay ka suurto galayn haddii ay taasi dhacdo lama odhan karo haloo wada jabo, oo haddi dalka aanay doorashadu ka wada dhacayn".

Cali Maxamed cabdale Oo ah oday ganacsade ah wuxuuna cali ku jawaabay, "Marka hore waxa aan aaminsanahay si inta badan ummadda Somaliland aaminsantahay, aynuna ku goosanay ee dastuuirga ah in doorashada M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenka ay dhacdo iyo doorashada ka dambaysa ee baarlamaanka in waqtigii loogu talo galay ay dhacdo, taas waxa aan u leeyahay sida dastuurkeenu dhigayo dalku saddex doorasho oo aynu mid soo dhaafnay labona ina sugayaan, doorashadii g/deegaanka waynu soo dhaafnay Ilaahay mahadii haka gaadhee, ku noqon maayo, wixii tabashooyin ahaa ee jiray ama khaladaadkii ka dhacay, laakiin waxaan aaminsanahay in laga fiirsado kuwa dambe tii hore wixii khaladaad ahaa ee dhacay laga qaato taariikh si aanay kuwa dambe u dhicin, haddaan jawaabta u soo noqdo waxaan u arkaa in ay doorasho xalaal iyo cadaalad ku dhici karto iyadoo faro galinta laga saar, waxa aynu samaysanay komishan ama guddiga doorashooyinka qaranka oo aynu iyaga ugu galo galnay in ay hogaamiyaan habka doorashadu ay u soconayso ama ay u dhacayso, dhexdhexaadna, markaa waxa aan qabaa in komishanka qaranku ay noqdaan kuwo madax banaan hawshooda sababta oo ah taas u leeyahay waxa weeye maanta sida dad badani ku andacoonayaan waxa jira urur iyo dawladda ishuwan oo runtii qofka dawladda xil u haya ilaa wasiir iyo ilaa qofka xaadhaha ah ay isu aaminsan yihiin ama loogu sheego inay yihiin UDUB oo ururkaas ay ku sheegaan inuu yahay urur xukuumi ah oo aan anigu aaminsanahay in aysan urur xukuumi ah ahayn, waayo ururka xukuumiga ahi waxa uu noqon karaa marka maanta doorashada aynu marayno ururku ku guulaysto ee dawladda soo dhisaya.

Dawladda maanta jirta iyo labadeedan goleba waxa ay ku fadhiyaan habkii aynu wax ku soo dooranay ee qarankan hab beelo ah ku soo dhisanay markaa ururka dalwadda khalad markaa faro gelinta dawladdu ku hayso iyo geedi socodkeeda marka laga daayo doorasho xalaal iyo cadaalad ahi way imanaysaa goobaha codbixintana si siman loo gaadhsiiyo sanaadiiqda codbixinta dawladduna ay joojiso hanjabaada komishanka ay ku hayso ee ay leedahay anaga ayaa dhaqaalihii idin hayna oo miisaaniyadii uu komishanku qaranku lahaa uu u madax banaan yahay ayna ku qabtaan hawlahooda ama waxaan soo jeedinayaa in komishanka qaranka la kala diro maadaama aan dawladdii ahayd haddaydaan tayda yeelin ama ii fulin waxaana socota hanjabaada ka imanaysa M/weynaha oo ah gudoomiyaha ururka UDUB, afar qof baa sanduuqa haya waxay yihiin gudoomiye, tiriye, hubiye, iyo ka calaamadinaya waxaan odhan lahaa maadaama dadkeeni aanay jirin wax axsaabta taageeradiisu ka baxsantahay jirin in dadkaasi afarta ahi noqdaan dad axsaabta ka kala socda oo komishanku qortaan goob walba oo codbixineed gudoomiyahana ay qaataan komishanku si ay iyagu isu ilaaliyaan oo aanay u dhicin ama xisbi u wada taageero ah ama isku beel ah ama arrin wada qaadan kara aanay sanduuq wada haysanin, komishanka qarankuna ha ogaado in ay iyagu maanta gacanta ku hayaan in doorasho xalaal iyo cadaalad ahi dhacdo iyo inkale."

Baashe Cali Jaamac oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool isaga oo arrintaas ka jawaabaya wuxuu yidhi "Anigu taas kama war hayo cadaalada laakiin 14-ka April 2003, isma lihi doorasho dalka ka wada dhici karta baa dhici karta haddii kolay la doonayo in doorashadu dalka ka wada dhacdo oo aan dhawr jeer laga kala dhigayn waxay u baahantahay in ay waqti hesho bay aniga ila tahay si dalka ay wada gaadho doorashadaasi".

La Soco...

Top


Rayaale

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftiga uu hogaaminayo ee booqashada ku maraya gobolka Awdal ayaa xalay maqribnimadii ku soo hoyday magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, ka dib markii ay socdaal ku soo mareen degaamada xeebaha galbeedka. Laakiin Madaxweyne Rayaale salaasadii toddobaaddkan ayuu ka baqoolay magaalada Hargeysa, iyadoo uu socdaalkiisu ahaa mid aan la ogayn oo kedis ah.
Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar ayaa warbixin ku saabsan socdaalka Madaxweynaha noo soo diray, isaga oo ka waramay meelaha uu madaxweynuhu booqday iyo waxyaalaha uu safarkiisa kala kulmay, waana tan warbixintii:

"Madaxweyne Rayaale waa markii u horaysay ee booqasho ku yimaado gobolka Awdal tan iyo markii uu kursiga ku fadhiistay muddo hadda ku dhow toban bilood, waxaana socdaalkiisa ku weheliya xubno golaha wasiirada ah, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, saraakiil ciidamada ah iyo madax kale. Laakiin weftiga Madaxweyne Rayaale Arbacadii toddobaadkan ayey soo gaadheen degmada Saylac, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen maamulka iyo dadweynaha degmadaasi, iyadoo ay Madaxweynaha iyo weftigiisii halkaa warbixin ku siiyeen xubno ka tirsan golaha degaanka Saylac iyo madaxda kale ee laamaha dawladda, hase yeeshee isla maalintii Arbacadii ayey degmada Saylac u sii dhaafeen magaalada Lawyacaddo ee ku taal xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, halkaas oo ay iyadana bulshada degaankaasi Madaxweynaha iyo weftigiisa si weyn ugu soo dhoweeyeen, iyadoo ay dadweynaha tuullada Lawyacaddo isugu soo baxay ee Madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhowaynayey isaga yimaadeen degaamada tuullada Lawyacaddo iyo degmada Saylac guud ahaan, taas oo ay weliba jireen dad ka soo talaabay soohdinta dhinaca Jabuuti, wuxuuna Madaxweyne Rayaale halkaa ka jeediyey khudbad kooban, waxaana ka mid ahaa arimaha ugu waaweyni ee uu madaxweynuhu kala hadlay dadweynhihii halkaa isugu soo baxay dhinaca nabadgelyada, hawlaha doorashooyinka iyo in la wanaajiyo xidhiidhka u dhexeeya dadka ku dhaqan soohdinta labada dal (Jabuuti & Somaliland), laakiin isaga oo ka waramaya ujeedada booqashadiisa wuxuu yidhi "Booqashadaydani waxay qayb ka tahay booqashadii caadiga ahaa ee aan dalka oo dhan ku marayey si aan u ogaado xaaladaha nolosha, dhaqaalaha iyo nabadgelyada shacbiga."

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ka hadlay furitaankii soohdinta u dhexaysa Somaliland iyo Jabuuti, wuxuuna yidhi, "Waxaan ogahay inaad ka raysateen dhibaatooyinkii idin haystay waqtigii ay xuduudda labada dal xidhnayd, laakiin inkasta oo ay danaha labada dawladood (Somaliland & Jabuuti) kala duwan yihiin, hadana waxaan idinku boorinayaa inaad dadkiina labada dal ee ku nool soohdintani dhawrtaan nabadgelyada iyo wada noolaanshaha degaamada soohdinta".

Madaxweyne Rayaale isaga oo ka hadlaya doorashooyinka madaxtooyada ee foodda inagu soo haya wuxuu dadweynaha reer Saylac uga mahad celiyey taageeradii waynayd ee ay doorashooyinkii golaha degaanka siiyeen xisbiga uu gudoomiyaha ka yahay ee UDUB, isla markaana waxa uu ka codsaday taageero tii hore ka xoog badan ama la mid ah hadana siiyaaan xisbiga UDUB. 

Sidoo kale waxa iyaguna kulanka Lawyacaddo ka hadlay xubno kale oo ku hadlayey magaca maamulka iyo bulshada degaankaa ku dhaqan, kuwaas oo muujiyey, waxa kale oo iyaguna munaasibadaa ka hadlay xubno wasiiro ah oo weftiga ka mid ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha debedda, Maxamed Siciid Gees iyo wasiirka dib-udejinta, C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal).

Weftiga Madaxweyne Rayaale waxay habeen hore u hoydeen degmada saylac, halkaas oo ay kulamo gooni gooni ah kula yeesheen dhinacyo ay ka mid yihiin , xubnaha golaha degaanka, ururada bulshada, masuuliyiinta maamulka iyo duqayda degaankaa.

Dhinaca kale booqashada weftiga Madaxweynaha ee gobolka Awdal waxay ku soo beegantay xili ay xiisado dhexyaaliin dadka ku dhaqan degaamadaa, xamaasadaas oo reeraysan waxay la xidhiidhaa sheeko dhinaca degsiimooyinka ah. Tusaale ahaan laba maalmood ka hor intii aanu madaxweynuhu soo gaadhin degaamada Saylac, waqtigaas oo aan anigu (Weriyaha) ku sugnaa Lawyacaddo waxa ka dhacay Lawyacaddo dhacdo ka marag kacaysa xiisadda meesha ka taagan, taas oo ay urur haweenka Somaliland ah oo ka jira lawyacaddo iyo dad sheeganaya inay u dhasheen degaankaa, laakiin maalintii xuska haweenka ee 8-da March ka soo talaabay dhinaca soohdinta Jabuuti ayaa waxa dhexmaray iska hor-imaad ay gacanta isula tageen, waxayna xiisadaas oo sababi gaadhay xasilooni daro ku baahda degaanka lawyacaddo oognayd muddo saddex maalmood gaadhaysa, taas oo ay masuuliyiinta maamulka degaankaasi iyo wax garadka kale ee degaankaasi daminta xiisadaa faraha kaga gubteen. 

Laakiin gudoomiyaha ururka haweenka Lawyacaddo oo magaciisa la yidhaahdo BARAKo, marwo Siraad Maxamed oo aan arintaa wax ka waydiiyey ayaa tidhi "Iyadoo uu ururkayagu yahay urur Somaliland iyo madaxweyneheeda aaminsan, isla markaana aanu xusayno maalinta haweenka ee 8-da Marcjh ayaa waxa nala dul-keenay haween ka yimi Jabuuti oo la yidhi waa urur haween ah oo degaanka ah, waxayna haweenkaasi joojiyeen ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka ee aanu waddanay, isla markaana waxa naloo geystay cagojuglayn, arintaana waxa ka dambeeyey rag reer Jabuuti ah oo ciidanka ka tirsan."

Laakiin markii haweenkaa loo diiday inay caayarahooda hidaha ioy dhaqanka sii wataan ayey iyaguna taa ka gadoodeen, waxayna isku shubeen rugta booliska Lawyacaddo, halkaas oo ay haweenkii iyo taliyaha rugta oo magaciisa la yidhaahdo Raage Bidaar gacanta isula tageen, hase yeeshee ciidanka nabadgelyada ee Lawyacaddo fadhiya ayaa rasaas kor u riday si ay dadka u kala dareeriyaan, iyadoo ay haweenkaasi ninka taliyaha rugta booliska ku eedeeyeen inuu dhulka ka sheegtay.

Dhacdadaas oo sababi gaadhay deganaansho la’aan saamaysa soohdinta labada wadan waxay qayb ka yihiin dareeno dhowaanahan-ba ka taagnaa degaanadaa, kuwaas oo la xidhiidha is-riixid dhinaca degsiimada ah oo u dhexeeya dadka soohdinta labada dhinac ka kulaalaya ee reer Somaliland iyo reer Jabuuti. Laakiin qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee ku dhaqan degaanka Lawyacaddo ayaa yidhi "Waayadan dambe waxa dhacday inay dawladda Jabuuti baalasheeda ku soo kala bixisay degaamo u dhexeeya min meesha la yidhaahdo Xariirad ilaa Lawyacaddo, isla markaana ma jirto cid maamulka Somaliland ka tirsan oo ka war-haysa faragelinta degaamadan ka socota."

Ta kale waxa degaamada galbeedka Somaliland ka taagan abbaar xun oo ku rafatay dadweynaha degaamadaa, taas oo xataa geyeysiisay inay ka hadli waayaan arimaha dhaqdhaqaaqyada dareenka leh ee ka socda degaamada kulaalaya soohdinta labada wadan".

Top


Wasiirka daakhiliga oo iska leexiyey eedo loo jeediyey

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka arimaha gudaha dawladda Somaliland, Eng: Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa shalay iska leexiyey eedo ay u soo jeediyeen masuuliyiin ka kala socda xisbiyada mucaaradka ah maalintii doraad oo ay ka qayb galeen kulan la xidhiidha doorashooyinka oo ay guddiga doorashooyinku qabanqaabiyeen, waxayna mucaaradku wasiirka daakhiliga ku eedeeyeen inuu is-hortaagay kabkii dawladda dhexe siin jirtay degmada Dhahar, iyaga oo loo siin-waayeyna ku tilmaamay ka dib markii uu xisbiga UDUB ku soo bixiwaayey golaha degaanka degmadaa, taase wasiirku wuu beeniyey. 

Waxa kale oo ay mucaaradku wasiirka ku eedeeyeen inuu cadaadis saaray maayarada aan UDUB ahayn ee laga doortay degaamada qaarkood, cadaadiskaas oo ay ku tilmaameen inuu uga dan leeyahay inay taageeraan xisbiga xukuumadda ee UDUB, hase yeeshee wasiirka arimaha guduhu waxa uu eedaymaha loo jeediyey wuu beeniyey, isaga oo jawaab kaga bixiyey kulan ay qabanqaabiyeen guddiga doorashooyinku oo lagaga hadlayey sida ugu haboon ee ay u dhici karaan doorashooyin xalaal ahi, kulankaas oo laba maalmood ka socday hudheelka Ming-sing, lana soo gebagebeeyyey shalay, waxa uu wasiirka daakhiligu isaga oo ka hadlaya arimaha lagu eedeeyey yidhi "Ciidamo la soo jebiyey oo shisheeye ah ayaa dalka yimi, ciidamadaasina inta aan la gaadhin doorashada madaxtinimada ayey dalka ka baxayaan, taasina waa wax la hubo, laakiin taa macneheedu ma aha inaynu dalkeenna saldhigyo ka siinay jabhad mucaarad ku ah C/laahi Yuusuf, balse waa dad soo jabay oo qaxooti ah oo aynu magangelyo siinay."

Wasiirka daakhiligu waxa kale oo uu jawaabo ka bixiyey su’aalo halkaa laga waydiiyey, laakiin isaga oo ka jawaabaya eedda looga jeediyey degmada Dhahar waxa uu yidhi "Anagu ma hortaagnin kabkooda, isla markaana mar alaaliyo marka ay guddiga doorashooyinku liistadooda noo soo gud-biyaan waanu sii daynaynaa, markaa wax aan siyaado ku jirin in siyaado laga dayo ma aha."

Top


Abaaro iyo biyo la’aan ka jirta degaamada Gebilay

Gebilay (Haatuf): Degaamo aad u tafdheer oo hoos-yimaadda degmada Gebilay ayaa waxa xiligan ka taagan xaalad biyo yaraan ah oo si weyn u saamaysay nolosha dadka miyiga iyo kuwa magaaladaba iyo xoolahaba.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan waxa iyana jirta abaar saamaysay dadka iyo xoolaha degaamadaa, iyadoo xiligan lagu jiro dabayaaqadii jiilaalka, waxayse biyo yaraantu ka dambaysay markii ay biyo yareeyeen ceelasha maaxda la yidhaahdo ee ay ka cabaan dadka ku dhaqan magaalooyinka degaankaas ku nooli, ceelashaas oo aan markoodii horeba lahayn biyo haqab-tira dadka ayaa hadana waxa xiligan qalajiyey jiilaalka taagan. Waxa kale oo iyagana biyihii laga dhamaystay berkadihii biyo roobaadka ee laga cabi jiray.

Dadka beeralayda ah iyo weliba xoolalayda ku dhaqan tuulooyinka qaarkood ayey iyagana saamaysay xaaladda abaarta iyo biyo la’aantu, taasina waxay keentay inay dadkii iyo xoolihiiba isugu yimaadaan ceelasha maaxda loo yaqaan ee ku yaal dooxyada oo loogu talo galay inay waraabiyaan beeraha bustaanta ah ee degaamadaa, laakiin ceelashaa oo aan markoodii horeba biyo lahayn ayaa hadana waxa hadda fuulay culays weyn, tusaale waxa biyo ka dhaamiya booyado, kuwaas oo biyaha u iib-geeya magaalooyin ay ka mid yihiin Gebilay, Kalabaydh iyo Tog-wajaale, baahidaasina waxay keentay inuu kor u kaco qiimaha iibka biyuhu, taas oo markii hore halka foosto la siin jiray ugu badnaan 3000 Sh. Sl, laakiin hadda waxay kor u gaadhay 5000-6000 Sh.Sl, laakiin magaalooyinka kale qaarkood sida Togwajaale waxa halka foosto ee biyaha ah lagu iibsadaa 15 Birta Itoobiya ah, una dhiganta 11500 Sh.SL. iyadoo ay dadka magaalooyinka qaarkood booyadaha biyaha ka iibsadaan, ka dibna hadhow dib u sii iibiyaan, iyaga oo miisaya. Laakiin biyo la’aantaasi waxay keentay dhibaato weyn, waxayna dadka qaar ii sheegeen inay xataa waayeen waxay caruurtu u cabto, sidoo kale biyo yaraantu waxay keentay inuu meelaha qaar biyaha midabkoodu isbedelo.

Dadka xoola-dhaqatada ahi waxay iyaga haysta kaliil ba’an iyo jiilaal, isla markaana waxa xoolaha isu barkan xaaluf iyo biyo la’aan, gaar ahaan dadka degaamada xeebaha ku dhaqan, iyadoo ay dadkii xoola-dhaqatada ahaa intoodii badnayd u hayaameen degaamo biyo ka dheer, iyaga oo xoolaha la raadinay baad ay cunaan, laakiin dad badan ayaan meelna u guurin.

Toddobaadkii hore horaantiisii oo aan booqday tuullada Geed-balaadh oo qiyaas 30KM ah dhinaca galbeed ka xigta Gebilay waxaan halkaa kula kulmay hawl-wadeenada ka hawl-gala ceelka aadka looga cabo ee Geed-balaadh oo ku yaal xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxayna hawl-wadeenadaasi ii sheegeen in dhibaatada ugu darran ee haysataa culays xoog leh oo saaran, taas oo ay sheegeen inay ceelka had iyo goor isugu yimaadaan dad iyo xoolo aad u tiro badan oo ka soo arooray meelo fog-fog, sidaa darteed mishiinka ceelku ku shaqeeyo oo ah mid keliya aan 24-kii saac mar qudha la nasin, laakiin mishiinkaas oo ay sannadkii 1999-kii ceelka Geed-balaadh ku caawisay hay’adda OXFORM waxay hawl-wadeenada ceelku sheegeen inuu hadda itaal dareeyey sidaa darteed laga werwer qabo inuu hawl-gab noqdo, sidaa darteed waxa loo baahan yahay ayey yidhaahdeen mishiin, sidoo kale hawl-wadeenada ceelkaasi waxa kale oo ay sheegeen inay u baahan yihiin meelo biyaha lagu kaydiyo iyo weliba darar ay xooluhu ka cabaan, waxaana halka foosto ee biyaha ah lagu iibsadaa 1500 Sh.Sl.

Dad oo aan kula kulmay tuulooyinka iyo meelaha miyiga ah ee degaamadaa ayaa ii sheegay inay yihiin dadkii ka soo noqday xeryaha qaxootiga bariga Itoobiya, waxayna ku cabanayeen inaanay helin kaalmooyinkii ay ahayd inay helaan si ay badhida meel u dhigaan."

Top


Iftiinka Islaamka

7- Saynab Binti jaxash Bintu R,aab:-

Iyadoo gabadh ah ayuu rasuulka u doonay sayid binu xaarith in uu guursado,walaalkeed cabdalaahi iyo iyadaba arinkaas way ka xumaadeen,madaama ay arkeen sayid In aanu geyin saynab sayid dagaal carabta dhexmartay ayaa lagu soo qabsaday isagoo yar,Islaamka ka hor ayaa rasuulku soo iibsaday kadibna wuu xoreeyay, saynabna waxa ay ahayd gabadh nasab sheegatay, hooyadeedna waxa ay ahayd umaymana binu cabdi-mudalib binu haashim,waxa weliba intaas usii dheeraa iyadoo ahayd hablaha quraysh ugu quraxda badanaa,way dheerayd,cadayd oo hilaacaysay mafasiriinta waxay u badan yihiin in xigmada sayd iyo saynab guurkooda ka dambaysay ahayd in laga . 

Dadka aadam ayuu kawada yimid aadana dhoobo ayaa laga smeeyay ama laga abuuray,waxaana alle lagaga kala dhaw yahay sida looga kala cabsi badan yahay markay Saynab ka maagtay guurkii sayd waxa ku soo degay iyada iyo walaalkeed aayadan alle waxa uu yidhi:(uma banaana (looma ogola) nin mu'min ah (abdulaahi) iyo gabadh mu'minad ah (saynab) hadii alle iyo rasuulkiisa xukumaan arin in ikhtiyaar ay yeeshaan arinkooda qofkiise caasiya alle iyo rasuulkiisa waxuu lumay lumid cad).

Rasuulka waxa uu guursaday saynab sanadkii 5aad ee hijrada maalintii arooskooda ayaa casuumad hilib iyo kimis ah rasuulka sameeyay, oo mid la mid ah haweenaya kale aan loo samayn.Waxa laba sheekh (bakhaari iyo maslim) weriyeen in asxaabtii la casuumay markay cantadii dhameeyeen fadhigii iyo sheekadii aad udheereeyeen. 

Rasuulka intuu yara baxay ayuu kusoo laabtay iyagoo weli fadhiya, wuuna dhibsaday.
Alle (swt) waxuu kusoo dejiyay markiiba aayada xijaabka (kuwa iimaanka laga helayoow, hagalina guryaha nabiga iyadoo cunto la idiinka idmay mooyaane,oo aan bisaylkeeda dhowrayn, haddiise la idiinka yeedho gala, markaad cuntaan ka taga hana sugina sheeko,ilayn taasi waxay dhibi nabigee waanu idinka xishoon, Alle se kama xishoon xaqa, hadaad wax waydiisaan haweenka (NABIGA)ku waydiiya xijaab gadaashiis...:(al-asxaab 53) waxay dhimatay saynab iyadoo ahayd 53 jir.

8-Juweeriya Bintu Xaarith:-
waxaa bukhaari ka weriyay caa,isha rasuulka waxuu soo qafaashay dumarkii reer banii musdaliq, juweriya waxay ku soo beegmatay qaybtii thaabit bina qays, oo ku xidhay xoreynteeda sagaal waqiyadood, waxaanay ahayd haweenay macaan oo qof kasta oo arkaa kalgacal u gelaayo,Aniga oo la jooga rasuulka ayay usoo gashay si uu uga bixiyo xoolaha laga xidhay walaahi waan ka xumaaday markaan arkay juwayriya oo usoo gashay rasuulka waxaan gartay in uu ku arkayo wanaaga aan ku arkay (oo guursan doono) waxay juwayriya ku tidhi rasuulka (rasuulkii allow, waxaan ahay juweyriya binta xaarith, aabahay waa sayidkii qolodayada ,waxaa nagu dhacay waxa aad ka warqabtid,waxaan ku dhacay qaybtii thaabit bina qays oo igu xidhay sagaal waqiyadood ee iga caawi) Rasuulkii waxuu ku yidhi (arinkaas mid ka khayr badan ka waran?) waxay ku tidhi oo waa maxay? Waxuu ugu jawaabay (waan kaa bixinayaa xoolaha lagugu xidhay waanan ka guursan) waxay tidhi (waayahay rasuulkii allow)wuxuu yidhi anna waan yeelay muslimiintii guurkaas rasuulka ee juweyriya waxayku xoreeyeen boqol dumar ah oo tolkeed laga soo qafaashay,mana garanayo haweenay uga khayr badanayd barako badnayd qolodeeda waxuu rasuulka (nnkha) guursaday juweyriya oo 20jir ah sanadkii 6aad ee hijrada waxayna ku dhimatay 65jir qaybtii xigmada siyaasadeed.

9-umu xabiiba bintu abu sufiyaan:-
magaceeda ramla ayaala odhan jiray iyada iyo ninkedii waxay u wada haajireen dhulka xabashida. Waxay tidhi habeen ayaan riyooday ninkaygii cabaydalah ooraga ka ugu xun u eg oo aan eryaayo. Intaan argagaxay ayaan idhi (walaahi aragiisa wuu isbadalay) sabaxii ayaa ii sheegay inuu diin tii ka baxay oo uu masiixigii noqday:khamri sidii uu isugu daldalayay ayuu fidigay. Markaan cadad baxay ayaa mise jaariyad boqorka u shaqaynayasay oo iga leh boqorkii waxuu ku yidhi, "rasuulkii alle ayaa sooqoray inaan kugu meheriyo) galabtiina jacfar ibna abii daalib ayaa loo yeedhay iyo muslimiintii kale waxaana I meheriyay boqorkii oo 400 oo diinaar oo meher ah siiyay: casuumad weyna dhigay jaariyadii ii bushaaraysay dhar iyo lacag ayaan siiyay:. Sanadkii 7aad ee hijrada ayuu rasuulka waraaq udiray boqorkii xabashida (najaashe Asxam)oo markaas muslim ahaa waxuu ka codsaday in uu boqorku kusoo meheriyo umu-xabiiba una soo dirro boqorkii sidii ayuu sameeyay waxuuna umu-xabiiba ku soo daray sharxabiil ibna xasna ,Sahri waxaa weriyay markii abii safyaan madiina yimid si uu heshiiskii xudayba u kordhiyo iyadoo rasuulkana dagaal damacsan yahay ayuu rasuuulkii diiday in uu qaabilo Abii sufiyaan waxuu tegay gurigii gabadhiisa ama-xabiiba oo damcay in uu ku fadhiisto gogoshii rasuulka markiiba way ka laabtay waxuu ku yidhi inan yahay gogoshan ma mid ka fiican ayaad ii haysaa oo aad ii soo wadaa mise anigaabad iidiidan tahay? Waxay ugu jawaabtay (waa gogoshii rasuulka adigana waxaad tahay mushrik nijaas ah) waxuu yidhi: "inantaydiiyeey belaayo ayaa dabaday ku heshay" Qurayshi heshiiskii xudaybiya ayay jebisay iyadoo ay reer banii khusaaca lagu laayay xaramka reerkaas oo islaamka ka hor ay xulafo ahaayeen jilibkii rasuulka ee reer banii haashim, markii dambena xitaa kooda gaalka ahi rasuulka ayuu la safnaa oo warar quraysh madiina ugu gayn jireen heshiiskii xudayba markii qabaa'ilka loo ogolaaday in ay dhinaca ay doonaan raacaan, muslimiintii ayay raaceen kadibna way soo islaameen reer banii bakar oo ay col ahaayeen reer banii khusaaca waxay raaceen quraysh. Quraysh iyo reer banii bakar intay is kaashadeen ayaa si xun loo laayay reer banii khusaaca xaramka ayayna soo magan galeen ooreer banii bakar kama daynin qurayshna way ku daawatay rasuulku (nnkha) isagoo u hiilinaya reer banii khusaaca waxuu ku soo duulay quraysh, madiina waxuu kala soo baxay ciidan toban kun ah oo dagaal la,aan ka furtay makka.Ama-xabiiba waxay dhimatay sanadkii 44aad ee hijrada.

10-Safiya Bintu Xuyey Bina Akhdaab:-
Aabaheed waxa uu ahaanjiray odaygii yuhuuda reer banii naadir,waxay deganaayeen madiina meel agteeda ah.rasuulka oo asxaabtiisa oo asxaabtiisa qaar kamid ahi la socdaan ayuu arin ula yimid xuyay iyo odaygii kale ayaa qorsheeyay in ay dilaan rasuulka (nnkha)oo dhagax weyn lagaga soo tuuro gidaar uu hoos fadhiyay rasauuka kadibna ay yidhaahdaan dhagaxa wuu kusoo dhacay rasuulka in taanay ku dhaqaaqin ayuu malakal jibriil u digay rasuulka intuu meeshii ka kacay ayuu madiina soo qabtay iyadoo asxaabtii la socotay iyo yuhuudii toona ay dhaadin muddo yarna madiina ayuu ka eryay qaar shaam ayay u guureen qaar uu xuyey kamid yahayna khaybar oo ilaa 80km u jirta madiina ayay la degeen yuhuud kale. Safiya aabaheed nacayb uu u qabo iyo cadaawad aan la qiyaasi karin uu u hayay rasuulka (nnkha) iyo islaamkaba waxuu kaloo ka mid ahaa labaatankii nin ama oday ee yuhuuda reer banii naadir iyo khaybar ka tirsanaa ee weftiga quraysh ugu tegay soona abaabulay dagaalkii carabta iyo yuhuuda isugu bahaysteen, muslimiinta ee khandaq (asxaab) muslimiinta waxa ka horeeyay madiina 10,000 oo quraysh iyo banii faan ah, taladii salmaan al faarisi darteed waxa rasuulku amray in la qodo godod 500 oo dhudhun dherer kooda yahay gaaladii way soo gudbi kari waayeen. 

Dagaal falaadho ah oo isdaba joog ah ayay sida roobka kaga dhigeen muslimiinta. Waxa weliba muslimiinta usii dheeraa gaajo iyo macaluul. Xuyey bina akhdab waxuu ku qanciyay yuhuudii reer banii qurayda oo madiina wax ka deganayd in ay dagaalka soo galaan,waxay deganaayeen dhinac aanu muslimiinta ciidan aanu u joogin.lagamana filayn in ay ka baxaan heshiiskii ay rasuulka kula jireen iyagoo ogsoonaaa wixii ka dhacay yuhaadii reer banii naadir iyo reer banii qaynuqaac.reer banii qaynuqaac gabadh muslimada oo suuqooda joogtay ayay marada ka faydeen,cawradeedii intay muuqatay ayuu weliba niman yuhaad ahi ku qosleen,way muusanowday waxaana usoo garmaday saxaabi oo yuhuudii dilay, isagiina koox yuhuud ah ayaa isgu tagtay oo wada dilay. Rasuulka (nnkha) ayaa ku duulay oo reer banii qaynuqaac ka eryay (xijaas) khatar weyn ayay arintii reer banii qurayda ku noqotay muslimiinta, dumarka iyo caruurtii musalimiinta ayay halis u ahaayeen intay gumaadaan ay muslimiinta dhabarka kaga dhuftaan,ciidamada muslimiinta waxay tiradoodu ahayd 3000 oo hortaagnaa 10,000 manay qaybsamayn. 

Xuyay waxuu balan ugu qaaday banii qurayda in uu la dhiman doono, haday dagaalka soo galaan, Alle(swt) ayaa cadowgii khilaaf ku riday, dabayl qabow oo xoog badanna usoo diray kalana eryay, isla maalinkiiba rasuulka (nnkha) waxuu ku duulay yuhuudii reer banii qurayda sandule ayaa lagaga dhigay in ay is dhiibaan,rasuulku waxuu ku sharfay geesigii (sacad bina cubaada) in uu xukamo reer banii qurayda wixii laga yeeli lahaa 700 oo raggii qaan gaadhka ahaa ee reer banii qurayda oo uu ku jirro cadowgii alle ee xuyey binu akhdab ayaa dhegta dhiiga loodaray.safiya waxa qabi jiray yuhuudi reer banii khaybar ahaa waxay ku riyootay dayaxa oo dhabteeda ku soo dhacay intay ninkeedii usoo sheegtay ayuu dhirbaaxo kulul kaga soo jaray oo ku yidhi:(ma boqorka (rasaalka) yaathrib (madiina) ayaad rajaynaysaa in uu ninkaaga noqdo?) Wax yar kadib rasuulka ayaa furtay khaybar, waxayna safiya ka mid noqotay dadkii laqabsaday walaalkeedna waxa lagu dilay dagaaladaas rasuulka (nnkha) wanaagiisa,ixsaan falidiisa iyo naxariistiisa markuu gartay safiya waxa uu kala dooran siiyay in uu xoreeyo oo uu ehelkeeda wixii ka hadhay ay qabato iyo in ay muslimto oo uu guursado.waxay tidhi (Alle iyo rasuulkiisa ayaan doortay.Sannadkii 7aad ee hijrada ayuu guurkaasi dhacay, waxayna dhimatay sannadkii 50aad ama 52aad ee hijrada.

11-Maymuuna Bintu Xaarith:-
waxuu rassuulku (nnkha) guursaday sannadkii 7aad ee hijrada markii ay isaga iyo asxaabta soo guteen cimraysigii la'iska hortaagtay sannadkii 6aad waxa u guuriyay adeerkii cabaas bina cabdi mudalib oo walaasheed ama-fadiila qabay, guriga cabaas ayay ku noolayd,waana cabdalaahi bina cabaas habar yartii.

Kow iyo tobankaas (11) ayay ahaayeen hooyooyinkii mu,miniinta ahaa ee Alle (swt) dumarka kale ka koryeelay, udoortay kuna sharfay in ay noqdaan marwooyinkii rasuulka (nnkha) alle isagoo ku karaameynaya rasuulkiisa (nnkha) iyagana ku qadarinaya ayuu xaaraamtinimeeyay in laga daba guursado rasuulka dumarka uu qabo.

Alle(swt) waxuu yidhi:(... xaqna uma lihidin in aad dhibtaan rasuulka ama aad guursataan dumarkiisa dabadii weligood,arinkaasna wuu ku weyn yahay alle agtiisa (Al-axsaab:53) markii rasuulka meher isaga keenay sagaal damar ah (khadiija iyo saynab binta khasayma ayaa hortii dhintay) ayaa alle (swt) ka joojiyay rasuulka(nnkha) guur dambe.Alle(swt)waxuu yidhi(kuuma banaana nebiyow (guur) haween kale mar dambe, intaad qabtid mooyaane iyo in aad haween kale ku bedeshid mooyaane, si kasta oo ay quraxdoodu kuu cajabiso waxaad hanato mooyaane(gaalada laga helo) allena wax walba waa ilaaliye waxa kale oo rasuulka oo uu qabay laba adoomo ah oo kala ahaa (maariyata qibdiya iyo rayxaana bina sayd.) maariyata waxa iyada oo aanay gabadh kale siinin hadiyad rassuulka (nnkha) ugu soo diray boqorkii maqaaqas ee iskandariya xukami jiray sanadkii 7aad ee hijrada maariya waxay u dhashay rasuulka wiilkiisa ibraahim siiriina waxa rasuulka siiyay xasan bina taabit, rayxaana bina sayd waxay kamid ahayd dumarkii lagu qabsaday duulaankii reer banii qurayda rasuulka ayaa naftiisa u doortay, dumarka naftooda u hibeeyay rasuulka oo aan la guri gelin lagana tirinin hooyooyinka mu,minninta culinmada siirada sadex ilaa shan ayay ka dhigaan...

GeboGebo:-
Qofka si dhab ah ugu kuur gala ama u darsa noloshii rasuulka (nnkha) waxaa si sahlan oo dhib yar u arki karaa in aanay dunidani rasuulka wax qiimo ah ugu fadhiyin haba yaraatee, Rasuulka (nnkha) wax xoolo ah xaaskiisa kamay dhaxlin sida nebiyadii isaga ka horeeyay.Waxuu yidhi: Ibnu isaxaaq (rasuuka markuu dhimanayay todoba diinaar oo uu haystay ayuu sadaqaysatay hubkiisii muslimiinta ayuu siiyay,gaashaankiisiina nin yuhuudi ahaa ayuu 30 galaan oo qamadi ah uu haystay), Rasuulku (nnkha) waxa uu inooga digay in aynu aduun yadan dhamaanaysa iska daba ridno.

Taas macnaheeda maaha in aynaan guursan ama shaqaysanin , waxase lagama maarmaan ah in inta yar ee wakhtiga, xooga iyo caafimaadka la haysto loo shaqaysto ta lagu waarayo(Aakhiro) ee lama huraanka ah.Rasuulka (nnkha) iyadoo alle (swt) u dembi dhaafay mid hore iyo mid dambeba ayay caguhu barareen sidii uu ugu taagnaa cibaadaysi, iyada oo uu weliba alle ugu deeqay bushaarooyin badan oo ay kamid ahaayeen togga jannada mara ee (kowthar) ee ay mu,minninta kusoo aroori doonto, iyo janno ta aga saraysa oo wax kasta oo aan doonaa ka baaxaan, wax aan ili arag oo dhegi maqal oo qalbi aadame qiyaasin iyo dumarka jannada oo ay quraxi u dhan tahay ilaa xad uu dhuuxooda muuqdo.

Markuu dhimanaayay ,waxa sugnaaday in la kala dooran siiyay in uu ku waaro dunidan oo qofka ugu dambeeya ee dhinta uu noqdo/kadibna jannada uu gallo iyo in uu ka tago oo uu la kulmo (rabbigiisa) waxa uu doortay waxa alle agtiisa ah .

Haddaba naarta jahanama iyo hoog ha u sugnaadeen kuwa ku masabida rasuulka (nnkha) dhal dhalaal aduunyo ,kuwaas oo uga raadiya ceebayn guurkii badnaa oo aynu soo aragnay guurkastaaba sidaa uu u dhacay iyo xigmadii ka dambaysay .waxa aan asiibay waa alle (swt) fadligiisa waxaan ka gafayna waa xagayga ee alle(swt) ha iga saamaxo waxaan ku qoray alle(swt) gargaarkiisa ,mahad oo dhana alle(swt) ayaa iska leh

Dhamaad.
Baraarujin
Xikmadaha ka dambeeyay inuu Rasuulku dumar badan guursado la soco cadadka dambe ee jimcaha.

Top


Xoolo Huno

Goor galab ahayd oo aan sidaasi ba u sii fogayn, aan ka soo baxo barada aan ku noolahay. Aan ka soo daadego waddada laamiga ah ee ka soo hoobata dhinaca Idacadda una soo daadegta geesta hudheelka la seexdo ee Togdheer. Haddii aan la gudboonahay meeshii uu ku oolli jirey, hudheelkii la odhan jirey Galsaxar ee hadana laga furay midka isaguna cuntada sammeya ee cusub, qofkii garanaya ayaa garanaya eh, aan isha ku dhufto ceesaan jiifta oo aan kici karayn, oo eeanaysa! Waxa aan mala haygii is idhi ma ay fayo qabto rrida tani aan curani. Maxay ayaa haya tolow neefkani?

Cid aan aniga ahayn oo meeshaasi kolkaasi maraysay ma ay jirin. Show baabuur ayaa inta uu goobta ceesaanta ku jiidhay kaga tegey oo baxsaday. Inta aan jidhidhicooday, oo aan saaqmay baan iskaga dul dhaqaaqay oo socod kaygii sii watay. Haddii ay arrintaasi igu haleeli lahayd meel miyi ah oo aan kolkaasi na hayn lahaa ‘bir’ waxa habboonaan lahayd in aan ceesaanta bireeyo, ka dibna ciddi yeelata aan ogeysiiyo. Maxay baad se adigu bal samayn lahayd kolka taasi oo kale ay kaa qabsato Hargeysa, Burco, Boorama, iml (iyo meelo la mid ah)? 

By: Cali-mahad
Hargeysa

Top


Talooyin Ku Socda Madaxda Warshada Xooga Korontadda Dawladda

Waxa amaan iyo mahad naq balaadhan aanu u jeedinaynaa haddii aanu nahay dadweynaha reer Hargeysa madaxda iyo shaqaalaha warshada korontada ee Hargeysa, kuwaas oo hawl adag oo oo taariikh ah u qabtay ummadooda. Hawshaas oo ah kicinta mishiinada laydhka dawladda ee Hargeysa oo shaqo ugu dambaysay 1988-kii, isla markaana xil wayn iska saaray ilaalinta mishiinada iyo qalabkii kale ee warshada laydhka ee Hargeysa, laga soo bilaabo 1991-kii waxaana amaanta ugu wayn leh odayaashii hore ee shaqaalaha warshaada oo xil weyn oo wadaninimo leh iska saaray.

Waxa kale oo aan aad iyo aad ugu faraxsanahay qiimaha jaban ee warshadu ka qaado dadweynaha, kaas oo aad uga hooseeya qiimaha ay kuwa shicibkaa ahi ka qaadaan dadka iyo saacadaha uu baxo laydhka dawladdu oo ka badan kuwa kale, iyo laydhka dawlaadda oo ah mid miisaaman oo tayo leh.

Haddaba iyadoo horumar badan aad samayseen sida aan kor ku soo sheegay ayaa waxa jirta dhinaca kale marka aynu ka eego dhaliilo shaqo oo aad leedihiin waxaanan ku talinaynaa sidan:

1 In Goobaha dakhliga ama biilasha lacagtooda lagu qabto oo ah imika meel kaliya ama qof kaliya iyo Hargeysoo dhan, in laga dhigo warshada gudaheeda, ilaa shan qof oo sida wakaaladda biyaha aad marka dambe ka dhigtaan (goobaha lacag qabashada) si dhibaatada ay uga baxaan dadweynaha lacagta bixinayaa.

2 Gaadiid ay isticmaalaan shaqaalihiina (laymanadda ahi) waa hal baabuur oo keliya, qofka laydhku ka xumaado ee idiin soo sheega wakhti badan ayay ku qaadataa in loo hagaajiyo, maadaama uu gaadiidku uu mid keliya yahay iyo Hargeysa oo dhan.

Sidaa daraadeed waa in la sameeyaa gaadiid badan oo shaqada fududeeya.

3 Waa in Telefoonadda saddexda ah ee magaalada Hargeysa lagu isticmaalo aad soo gashataan halka imika aad leedihiin telefoonka Telesom oo keliya, maadaama ay shaqadiinu tahay shaqo xasaasi ah oo halis badan, shaqaalihiinana waa in aad u xidhaan dirays uu magaciinu ku qoranyahay oo lagu aqoonsado.

4 shaqaalahana waa in la siiyaa gunno wanaagsan bil walba maadaama ay shaqo halis badan ay gacanta kula jiraan.

Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi

Top


Waxa Amakaag Iyo Yaab Keenay Ereyada Ambassador Cawil Ka Yimid

Waxay nala noqotay inaan jawaab ka bixino maqaalka Ambassador Cawil ee cambaareynayay xisbiga KULMIYE ee ku soo baxay saxaafadda dalka 11/03/03.

Ugu horeyn, aanu idin xusuusino weedhihii Cawil KULMIYE beesha Habar Yoonis way ka maqantahay, meelaha Madaxweyne lagu sigo ciidamada cagta mariya, waxa la leeyahay Siilaanyo dawladdii Tuur buu Mucaarad ku ahaa iwm.

Haddaba mid mid aan u qaadano "Hadal aan fiirsi loo odhan iyo caano aan fiikis loo dhaminba way kula fogaadaan" mar kale, Siilaanyaa C/laahi Xaaji ku yidhi "Makhaayad Inaneed baad dalkiiba ka haysaa" uguna jawaabay "C/laahiyow dal aqoon li’I baa ku haysee, makhaayadda waa xaafad Hargeysa ka mid ah.

Iminka odayga qurbe joog ah baad u dhuratee Habar Yoonis KULMIYE waxbay ka aasaastay, waana xisbi ay wax ku leedahay, tusaale qudha gobolka Togdheer ood Cawil ahaan u dhalatay, waxa maamulkiisa caasimadiisa Burco yaa haya, maamulka KULMIYE dhamaantii xataa garabka haweenka yaa u soo saaray deegaanka lagu dhaatay, imisa xubnood baa ugu jira golayaasha xisbiga KULMIYE, beesha Habar Yoonis Burco imisaa ugu jira UDUB?

Arrinta Sool KULMIYE wuu ka lexe jecla hadlay, waana nasiib darro inaad tidhaahdo adoo taageeraya bandooda "tan oo kala ciidamada cagta mariya."

Waxaanu leenahay bandooda halaga qaado, si ay u codeeyaan, si aanay u iman maanaan doorane sidee sharci baarlamaan noo qabtaa ama madaxweyne nooma aha, Dhulbahantena waxaanu leenahay Habar Yoonis kuma talin in ciidan galo ee feker shakhsi ah.

Ta mucaaridada dawladdii Tuur hadday jirtayba, sidee buu u caariday? Mida kale ma Habar Yoonis baa dawladda lahayd mise ummadda reer Somaliland bay ka dhaxaysay? Ku darsoo, ma cabasho shakhsii ah baa ka iman karta mise mid ummadeed? Mase ogtahay Cawil in C/Raxmaan Tuur kursigaba Siilaanyo saaray, ugana hiiliyay raggii la tartamayay?

Waxaanu leenahay aan miisaanka u saarno Cawil Siilaanyo waxa uu dalka u qabtayna markaynu inta sareba ka jawaabno.

Gebo gebadiina haddii aad ogtahay cabasho xisbiga ku waajahan gole keen, waanu garbixinaynaaye.

Ugu dambayntii, beeshuna dhan kastaba waa aqlabiyad xisbigee alle ku tuso.

Cilmi Maxamed Faarax Aas Aasayaashii ahaa Golaha fulinta
Kayse Jaamac Kaahin Geel Jire Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE
Hargeysa

Top


REER TIRO LAMUGU KOOBI KARO INTAAD TAQANAN MAHA

Waxa wax laga naxa marka masuul sare oo ah raga lagu tirsado in uu yahay dadka Somaliland siyaasadeeda dibada doorka wayn ka ciyaara uu ka saari kali laa yahay siin iyo saad taas oo ayaan daro soo food saartay dawladan jirta iyo dadkii loo haystay in ay yihiin indho garatka. 

Tusale yar oo fudud u soo qadano xukuumada jirtay ila muddo uu isku badali karo qar ama ay ku dhismi karto dawlada markaas loo taagay udubada. Waxa ila hadad dadkii qarinayaan ceebta dawlada taas oo ay uga dhigan hoga tusaleen dadka aan wax garadka ahayn kalmada ah somaliland xukumada jirta ayaa nabadeeda sal u ah haddi ay ka baxdo meesha way ka baxaysa nabadu, taas oo noqotay mid Dumarka iyo dhalinta lagu madadaaleeyo. 

Ma qaldana hadii uu Mudane Ahmed Mahamed Muhamud (Silaayno) uu sheegay goldaloolada qaran ka jira iyo haduu bari yimaado kursiga ama masabka ugu sareeya dalkeena Maxa u danbaynaya? Taasi ma qaldabaa? Mudane Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) waxa aad is lahayd taageero sii ninkii shalay ahaa mid ka danaysanyay dawladii gacan ku dhiigle Ina bare tana aan meel gaadhsinayan, tal kale Mudane Cawil waxa aad tahay nin wax garada marna damiirkaagu ma ku siinaya ruux aan wadan wax uu dadkiisa uu ugu dhiciyo aan haysan aqoon iyo waygragnimo uu dawlada curdinka meel ugu wado. waxa aad mudane carabka kula jeefday oo aad tidhi "Beel dhanba ka maqan kulmiye" taasi anigu waxa aan u arkay in ay tahay shakhsiyo in aan sheegayso wayo maha dadku intaad taqano ee waa reer baladhan reerku. marka aynu doonayno in aynu hab diblomasiyadeed aynu arintaas kala dhex taal ee Olalaynta siyaasad ku wajahano waad taqan mudane Cawil, tusale marka ay masabka madaxweyne loo tar tamayo waxa waaajiba in qof waliba Profile kiisa dadka la baro xuman iyo samba laakin se maaha aynu nidhahno xumanta aynu qarino samantan aynu sheegno, Haddii maanta aynu dadka kala bari waynu xumanta tartamayaasha yaa bari ta ay la yimaaad ka masuula? QIIMAYNATA MADAXWEYNE IYO OLOLHA MADAXWEYNE EE HANAAN DUMUQURADIYADEED.

Waxa aynu la wada socona in haddi uu aynu meesha timado Olalae doorasho taas oo ah in uu madax wayne soo bandhigo qorshahiisa (planning) iyo habka maamulkiisa in aynu dadka maanta eegaya mustaqbalka aynu meesan iyo kafad saarno. ogaw Madxwene Bush markii uu doorashada ku tar tamayay xibiga kula tar tamayay markii uu fadeexadiisa soo sarayay waxa uu sheegay in Inan kamid hablhiisu Is tuuga khmriga kaadh khaldan ugu siticmaasho taas ah shayga ugu yar ee qof khilaafka iyo dhibka reerkiisa la sheegay, ka waran hadii maanta la sheegay arin ah in laga tashado u eeg Mudane Dahir Riyaale waa siyaasi se saar kafada iyo miisnaka eeg xilga aynu taagany oo eeg rag kale ee kulrisga kula tar tamaya markaaas bal eeg in ta uu ka istaago misankiisu? Soo xalya akhristalaayal bal ila eega arinkaas. 

Doorashada waxa aan ku raja waynahay in ay xalaal u dhici doonto se yaan Olalaynta iyo ha la kala saaro aflagadada laba qof wayo hadan maanta anigu masab soo doonatay aniga cay soo doonatay wixii aan iin lee yahayna waa sax in la sheega, ta kale somalidu waxa ay tidha "Nin durbaan qaraacday Ilaaq dalbay", markaas yaaan sheekada meel fog la gayn Mudane cawil iyo rag kula figrada ha keenan Siilaanyo profile kiisa kaasan dadka ha tusaaan ka faysal ha la keeno yaase la odhan marka laga dheereyo siyaasada ku wajahan doorashada mid qaldan. Reerka aad magacawaday ee mudane cawil soo geeg oo baro hana isku koobin inta aad taqno ee mudane lama soo koobi karo waan ka mid. Somaliland ciddi ka gudbin karta marxaladay taagan tahay waxa aan lee nahay ku soo dhawada fagaraha se nin weedha aan soo roganayni halkuu inoo wadaya Aamusnaanta Mudane Riyaale ayaa ah mida dadka qar u turjuman karan waa jira waxa la sheegay hab jiraane, se Mudane riyaale ku soo dhawaw fagaraha oo weedha soo dhiiba 

Foosi Hussein Roble
Kulmiye Member In Abroud Pakistan

Top


Shicibyahow Wanaagsani

Sallaan ka dib waxaan marka hore aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhammaan warbaahiyayaasha Somoliland ee had iyo goorna isku taxalujiya in ay aduunka iskaga laliyaan wararka khuseeya Jamhuuriyadan curdinka ah mahad kalena waxaa leh dadka akhrista ee xiisaya in ay ka war hayaan Somaliland.

Hadaan ka gudbo oon keeno faallooyinkii is daba socday ee ku saabsanaa hadba xaalada guud iyo loolanka siyaasadeed ee wajahan Maandeeq maanta.

Sideedaba siyaasada waa xadhig la kala jiidanayo hadana waxay leedahay xuduudo aan la dhaafin waxaad se moodaa hadaynu nahay african in aynu u naqaano siyaasada in bal si kastaba la isu dhaleecayn karo iyadoo mararka qaar ay siyaasiyiinta dalkeena hogaamisaa ayba dhaafaan xuduuda shakhsinimo oo ay ku tiiqtiiqsadaan midba koodan kale, taasi oo ah wax laga wanaagsanyahay hadaba waxaa jira in wax walba leeyihiin xukun iyo maxkamad xukunta hadaba siyaasiyiinta iyo ereyadooda ama danahooda shakhsinimo yaa xukuma baa is waydiiin leh?? 

Xiligan oo aynu ognahay inuu yahay xili aduunku ku jiro xaalad aad u xasaasi ah taasoo ah dagaalka ciraaq lagu qaadi doono waxaynu ognahay in ay xulufoobeen Maraykanka iyo Engiriisku. bal hadaba dulucda hadaan u soo noqdo baa waxay tahay sida dadwaynuhu u yihiin xaakimka xukuma ninka siyaasiga ah baa waxay tahay in xisbiga uu hogaamiyo Tony Blair ee la yidhaahdo Labour baa waxaa ka baxay 40000kun oo xubnood ka dib markii ay u adkaysan waayeen sida uu udaba socdo Raisalwasaaraha Engiriisku waxaan dan ugu jirin dadwaynaha ku dhaqan dalkaas waxaa kaloo balan qaaday 200 oo xildhbaanka parlamanka ah in ay ka bixi doonaan maalintuu dagaal qaado Engiriisku isaga oon marin qaramada midoobay sideebay dadku ugu garab is taageen una kaalmeeyeen markii uu kacay xaq u dirirkii xorminada qaarada madaw horkacayay taageerada uu habeen iyo maalin heli jiray inteebay siyaadi jirtay maxaase sababay Nelson Rolihlahla MANDELA kolay nin aan taariikhdiisa halkan idinku barayo maaha laakiin tusaale wuxuu ahaa walina yahay dadka aadka loo jecelyahay taageeradiisuna marna hoos u dhicin kor inay u socoto mooyee wakhtiyadii kululaa ee xornimoraadinta Koonfur Africa taageero la taageero waxaad moodaysay in mararka qaar aabad mooday in Afirica ay tahay Unit Africa oo isaguna yahay hogaamiyaha kaliya ee gees ka gees xukuma africa, cadaaladu waa shay qaaliya banii aadamkuna had iyo goor kooda wanaagsani waxa uu raadsadaa meesha uu is leeyahay saldhig nabadeed bay kuu noqon inta cimri kaaga hadhay labada nin een kor ku soo qaaatay iyo tusaalayaasha aan ka kala bixiyey waxay yihiin sida shacabku u raadsanayo mar walba xaqiiqda iyo dantooda waayo Tony Blair iyo Nelson Mandela shakhsi ahaan umadu may eeganayn keebaa dabeecad wanagsan se waxay eegayeen kee dantiina wada shacabku kuu doono ha ahaado mid British ah ama mid Africana ha ahadee hadaan u soo laabto nuxurku wuxuu yahay shacabyohow wanaagsani adaa maanta ah maxkamadii kala saaraysay xisbiyadan ka dhexeeyo loolanka hogaanka dalka, shacabyohow wanaagsani waxaa loo baahanyahay in bal aad fiirisaan danta maanta iyo dhisida dalka hadaba hadaan hoos ´ku dhigo dhawr arimood.

Maxaa siyaasiyiinteena hogaaminaya xisbiyada qaar iyagoo da doodu kor u dhaaftay 70years had iyo goor keenay in ay afku dirir iyo dhaleecayn umuuqata dhaleecayn shakhsi weerar ah ka soo taagay siyaasadu waxay ahayd shay la soo bandhigo ajandaha dalka lagu hogaamiyo ee may ahayn shay la isugu adeegsado yasid kan kale la yasayo ama la aflagaadaynayo waxa intaa raacsan ragga ruugcadaayada ah ee khibrada sheeganaya ee siyaasadda ku hana qaaday danta dalka ha ka taliyaan yaanay ka talin danahooda iyo kursi u dirirka madaxtinimo maxaase keenay in afka laga meermeeriyo mawqifka laga taaganyahay kooxaha hubaysan ee isku eryanaya dalka jaarka ah ee Somaliya kooxahan oo iyagu had iyo goor wax teelo ah ula hadhin Somaliland is kuna daya in ay xayiraan diblomaasiyadda dibadeed waxaynu ognahay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda Dalka Kenya uga baxeen maleeshiyooyinka qaarkood ha la keeno Somaliland.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa Hadal iyo Hilboba saafan ee waxba yaan hadalka la qurxin ee runtiisa hogaamiyayaasha xisbiyadu ha cadeeyaan had iyo goor markay ka hadlayaan qadiyada ku wajahan kooxaha hubaysan ee isku haysta dalka jaarka (Somaliya) waliba ku wa hadalkoodu aanu buuxin laabahayayaga marka ay waraysi ka bixinayaan xaalada musutaqbalka iyo wadamada jaarka ah.

hadaba shacabyohow wanaagsani qaladka soo socda ee dhici doonaa waa mid aad adigu aabo u noqotay hadaad maanta qalado waayo maanta adaa haysta fursadii oo xaakim ah ama xukumaya wixii kuu dana isla markaana dooranaya dalka iyo danaha dhexdiina shacab ahaan idinka oo dooran doona Madaxweyne kii idin xukumilahaa 5sanno ee soo socda wakhtigaas oo wakhti dheer ah una baahan ka fiirsasho ballaadhan ku kala sheegi maayo halkan oo odhan maayo xisbibaa xisbi ka wanaagsan ama raaca xisbigaa laakiin u bata oo raaca kan ay ka simanyihiin dadyowga kala qoomiyada ah dadyowga kala da,da ah dadyowga kala cilmiga ah dadyawga kala deegaanka ah dadyawga tayada roon isla markaana ka durka mid wal oo idiin la ekaada mid dano iyo dhalanteed wada anoo waliba ka cudur daaranaya in maanta axsaabta dalka ka jirtaa yihiin wali ardafiishal oo kuwii dhabta ahaa yihiin jiilalka danbe bal hadana wadada ha sii furaan oo ha bilaabaan kuwa maanta jiraa xukunka maanta gacanta idiinku jira ka faaiidaysta ugu danbayna waxaan u soo jeedinlahaa hogaamiyaasha xisbiyada loolamaya in aanu aanu ka noqon ololaha siyaasadeed in ay is weeraraan ama is dhaleeceeyaan shakhsi ahaan taasi dhab ahaantii waxay keenaysaa in ay lumiyaan taageerayaal fara badan miisaaniyadda maanta siyaasadeedna shicibkaa hay shookaanteeda shicibkuna waxay ku qiyaasayaan waa maxaad la imanaysaan maaha hebelbaa tuuga iyo hebelba khibrad ma leh hebelna khibrad kumuu dhalan ugu danbayna waxaan codsi ka dalban lahaa ragga wadaniyiinta ah ee ugu cad cadyihiin C/qaadir jirde iyo ragga la midka ah in ay u wadaan hawsha wadanka u wadaa iyo ku way usoo qabteena ilaahay ha ka abaal mariyo Aamiin Aamiin 

Cumar Cabdi Nuux Calaydh2@hotmail.com Helsinki Finland

Top


Cayda Siilaanyo ma lacag baa lagu bixiyaa

Aniga oo tixraacaya wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay Salaasadii toddobaadkan waxaan jeclahay inaan wax ka idhaahdi hadal ku qornaa oo lagu weerarayey gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo, taas oo ahayd aflagaado iyo dhaleecayn si toos ah ugu waajahnayd gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubnihii garabka ASAD ee ku biiray xisbiga KULMIYE.
Hadalkaas oo uu yidhi afhayeen u hadlay garabkii ASAD ee ku biiray UDUB, afhayeenkaas oo ah mudane Farxaan oo golaha wakiilada ka tirsan, hadaba aniga oo ka mid ahaa xubnihii sarsare ee ASAD ee ku biiray KULMIYE waxaan aad uga xumahay hadalada deel-qaafka ah ee ka soo yeedhay mudane Farxaan ee uu kula kacay madaxda ceeb-kasaliimka ah ee xisbiga KULMIYE, mudanahaas oo ah mudane aanu isku beel ka soo jeedno, waxaan halkan ku cadaynayaa inaanu ka xunahay arinta, isla markaana aanu ka xaalsiinayno ciddii gefkaa loo geystay, iyadoo uu ninka qadafkaa geystay mudane noo yahay. Aniga oo leh "Ka dan raaco goortaay damcaan, ha iska duufeene."

Saleebaan Kaahin Cashuur, Hargeysa

Top


Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga

Mingistu: Marka la eego dalalka deriska waxa ka mid ahaa kuwii dagaalka nagula jiray Somaliya oo doonaysay dal-balaadhsi, iyadoo ay dawladdii Somaliya muddo 15 sannadood ahu tabaabushaysanaysay sidii ay Itoobiya u weerari lahayd. Sidoo kale jabhaddii gobanimodoonka ahayd ee waqooyiga ka diriraysay waxa iyaguna jiray dalal gacansiinayey, sidaa awgeed marka la isu wada geeyo waxyaalahaas oo dhan ayaa natiijada laga faalloon karaa, miyay su’aashu iska noqon kartaa sidee la idinka guulaystay, balse keebuu ahaa dagaalka nalagaga guulaystay, sidee baase nalooga guulaystay, waxa nalagaga guulaystay ma hal dagaal ayuu ahaa, mise wax ka badan, markaa in su’aalaha caynkaas ah la iswaydiio ayey ahayd, laakiin hadda waxaad moodaa inay wixii isku dhexwalaaqan yihiin, hadiisa ay noqoto arintu in nalaga guulaystay waxay taasi u iilanaysaa maamulkii jiray oo la yidhaahdo wuu jilicsanaa, sidaas awgeed bay guuldaradu u dhacday.

Ganat: Maamulka ma waxaad u jeedaa dawladdii hore ee boqortooyada, mise dawladdii dhergiga?

Mingistu: Haa waxaan u jeedaa dawladdii ka horaysay dhergiga, waayo dhibaatooyinka ay dawladaasi ka tagtay way la derseen xaaladda dalka, waxa kale oo jiray dawlado deris dalka la ah oo ka xumaa jawigii wanaagsanaa iyo barwaaqadii ay Itoobiya ku sugnayd, tusaale ahaan badda casiiska ah ee ay Itoobiya lahayd inta loo quudhi waayey ayaa la yidhi Carabta ayaa leh, sidaa darteed waxa meesha ku jirtay siyaasad dhinaca dhulka ah, sidoo kale siyaasad dhinaca dhulka ah ayaa iyana meesha ku jirtay, waxa kale oo jiray qolooyin doonayey inay siyaasadahooda ku fuliyaan xoog iyo dagaal, waxaana arimaha caynkaas oo kale ah la bilaabay bilowgii Qarnigii 18aad, laakiin waqtigaa may suurtagelin, sidaa darteedna qolooyinkii ay taasi u suurta geliwayday oo jiritaanka Itoobiya ka xumaa ayaa jiray, waxaas oo dhamina waa wax laga ogyahay, waxyaalaha dhacayna waxay salka ku hayeen dhibaatooyin soo jireen ah, laakiin may ahayn wax maalin qudha iska dhacay. Sidaa darteed maadaama ay waxyaalahaasi jireen inaanu ka sii digtoonaano oo aanu ka hortagno waxay ahayd arin noo taalay oo ay masuuliyadeedu na saarnayd. 

Ta kale xiligii aanu ku jiray kobcintii kacaanka sidii ay xaaladda ciidankayagu ahayd waxa ahayd si naxdin leh. Balse shicibku si uu isaga rido dhibaatada haysata ayuu gadood bilaabay oo ay ku kaceen kuwii waxaa waday, dabadeedna cadawyadayadii ayaa iyaga oo fursadaaha ka faa’iidaysanaya ayey dagaal dhinaca kale nagaga qabteen. Tusaale ahaan ciidankii Somaliya ee dhul-balaadhsiga ahaa inta ay na soo weerareen ayey gudaha Itoobiya soo galeen ilaa 800 Km, waxayna qabsadeen meelo badan oo dalkayaga ah, markaa waxyaalaha foosha xun ee xiliyadaa dhacayey waxa nafahooda ku waayey dad badan oo rayid ah, kuwaas oo aan is difaaci karayn ama aan haysan wax ay isku difaacaan, waxayna dadkaasi u badnaayeen caruur iyo dumar iyo dad waaweyn oo jilicsan, waxaana dadkaa la mariyey Beebeeyo iyo kaarayaal, taasina waxay ahayd arintii ugu horaysay ee dhacda.

Waqtigaa waxay ahayd xili ay maamuladii bariga iyo galbeedka dalku isku dhexyaacsanaayeen, isla markaana iyadoo ay Somaliyana na soo weerartay ayey jabhadii gobanimodoonka ahayd ee waqooyiguna waxay nagu waday dagaalo.

Kacaankayaga maadaama aanu aaminsanayn inuu yahay ka keliya ee dalka ka furan doona dhibaatooyinka dhaqaale, siyaasadeed ioy bulsho ee wadanka haystay ayaa waxaanu is-nidhi horta Ereteriya oo qudha dhibaatada ka jirta kacaanka ayaa idinka furdaamin doona , waayo waxaanu aaminsanayn inay dhibaatada Ereteriya la mid tahay dhibaatada kale ee ka jirta gobolada kale ee Itoobiya, taas oo aanu is lahayn mucaaradnimadoodu waxay ku salaysan tahay iyaga oo aan ku qanacsanayn maamulka ka jira Itoobiya, laakiin maanu aaminsanayn kacaanka inta ay ka falaagoobaan ayey idinku gacan-saydhi doonaan, ka dibna inta ay cadawyadii taariikhiga ahaa ee dalka la soo saftaan ayey dadkooda layn doonaan ismaanu lahayn, sidoo kale ismaanu lahayn kacaanka ayey soo weerari doonaan, laakiin Ereteriyiinta cadawyadii Itoobiya ayaa lacag iyo hub u soo qubay oo kaalmayn jiray, waxaana gobolka Ereteriya ka bilaabmay xasilooni daro aan hore loo arag iyo qas, sidaa darteed markii aanu aragnay dalkayaga sida ay cadawyadu ugu tabaabushaysanayaan inay burburiyaan ayaanu anaguna dhinacayaga u tabaabushaysanay dagaal aanu kaga hortagno, laakiin cududda ciidan ee aanu haysanay may ahayn mid u dhiganta awoodda cadawyada na kulaalaya, xaaladuna way xumayd, waayo tusaale ahaan magaalada dekedda ah ee Asmara ilaa 10 Km ayey hareeraha iskaga xeereen jabhadihii Ereteriya, isla markaana gobolka Ereteriya oo dhan waxa gacanta dawladda ku jiray degmooyinka Baaruntu oo ay degan yihiin qabiilka KUMANA iyo degmooyinka kale ee ay deganyihiin qabiilka NOORA... 

La soco cadadka dambe

Top