Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 288 March 16, 2003

Gudoomiyaha iyo Guddida Ardayda Jaamacadda Oo Beeniyay In Xaaladda Jaamacadu Liidato

Mudanayaaasha Golaha Wakiilada Oo Si Ba’an Isugu Qardoofay Ajandaha Miisaaniyadda 2003

Madaxweyne Rayaale Oo Fagaaraha Kala Hadlay Dadweynaha Boorama

Dawooyinka Waxtarkooda Iyo Waxyeeladooda

Gebiley:Imaatinka Rayaale Iyo Dareemada Cusub Ee Ka Taagan

Wasiirada Cusub Ee Macdanta, Gaashaandhigga Iyo Hawlaha Guud Oo Xilalka La Wareegay

Ku-Simihii Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Oo Is Casilay

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Qabyaaladda Iyo Qaranimo Meel Ma Wada Fadhiistaan

Waxaan Hayaa Billado

Hormood ka balaadhan

Yaa Maanta Dhibaatada ka Saari Kara Dalka?

Radio Hargaysa ha loo bixiyo Radio UDUB!!!

Jawaabtaydu ma ahayn KULMIYE ayaan ku biiray

Wasaaradda Diintu Way Iska

Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga

Jilba Dhiig Q: 5


Gudoomiyaha iyo Guddida Ardayda Jaamacadda Oo Beeniyay In Xaaladda Jaamacadu Liidato

Hargeysa (Haatuf) Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cali Qaadi iyo guddiga ardayda ee Jaamacadda ayaa si kulul u beeniyay in ay jaamacadda ka taagantahay duruufo dhaqaale, iyo maamul oo ragaadiyay jaamacada waxaanay sheegeen in xaaladda jaamacaddu ay haatan meel fiican marayso.

Shir jaraa’id oo ay guddiga ardaydu qabteen habeen hore ayaa iyaga oo ka jawaabaya maqaalo beryahan dambe ku soo baxayay saxaafadda dalka kuwaas oo sheegayay in xaaladda Jaamacadda Hargeysa aad u liidato ayna qarka u saarantahay in la xidho.

Balse ardayda shirka Jaraa’id qabatay waxay sheegeen inay imika jaamacaddu aad u wanaagsantahay ka dib markii la bedelay maamulkii hore oo ay iyaga laftoodu muddo ka cabanayeen, iyaga oo sheegay in maamulkii u horeeyay ee sifo sharci ah ku yimaadaa uu imika ku guulaystay C/Raxmaan Axmed Shunuf oo aqoon u leh Jaamacadda, ka dib markii la advertise garareeyay.

"Jaamacadda Hargeysa waxa ugu horeysa imika maamulkii ugu horeeyay ee sifo sharci ah ku yimaada" sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha guddida ardayda Jaamacadda Hargeysa.
Waxaanay sheegeen qoraal uu qoray Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi oo uu ku dhaliilay duruufta ay haatan ku sugantahay Jaamacadda Hargeysi iyo isaga oo sheegay in Jaamacadda Hargeysa loo aasaasay hinaase laga hinaasay Jaamacadda Camuud.

Haddaba Gudoomiyaha guddida ardayda Jaamacadda Hargeysa Cismaan Maxamed Axmed wuxuu yidhi, "Jaamacadda Hargeysa Looma aasaasin hinaase laga hinaasay jaamacadda Camuud balse waxa la aasaasay markii ay timid baahi loo qabay halkii la gayn lahaa arday tiro badan oo xiligaa ka soo baxday Dugsiyada sare ee dalka."

Guddida ardayda ee shirka Jaraa’id qabatay waxay sheegeen inay Jaamacadda Hargeysa ay xaaladeedu aad u fiicantahay ka dib markii la bedelay Maamulkii hore ee Jaamacadda oo ay iyaga laftoodu muddo ka cabaneeyeen.

Maqaalkaa uu qoray Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi uu yahay mid waxba kama jiraan ah isla markaana runta iyo xaqiiqda Jaamacadda ka fog ayay yidhaahdeen.

Dhinaca kale gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cali Qaadi oo isaguna qoraal na soo gaadhsiisyay ayaa dhaleeceeyay dadka iska qora iyaga oo aan la socon xaaladda jaamacadda,
Qoraalka gudoomiyuhu waxa uu u qornaa sidan:

"Aniga oo ah Dr. Cali Sh. Ibraahim Sh. Cumar Sh. Madar (Cali Qaadi) isla markaana tixraacaya qoraalkii ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya 14/03/03 waxaan dadweynaha sharafta leh ee reer Somaliland halkan ugu cadaynayaa inaanan anigu wax lacag ah u baahnayn. Maalintii ay da’daydu gaadhay 30 jir, waxaan kari karayay inaan joojiyo shaqada aan hayay, sababtoo ah waxaan haystay oo aan shaqaystay lacag igu filan, ilaa inta aan dhimanayo. Waxaan ku jiray markii dambe dadka ugu mushahar badan woqooyiga Ameerika, imika Hargeysa waxaa ii shaqeeya tiraba 8 qof oo aan jeebkayga ka siiyo mushaharkooda.

Sidaa daraadeed waxaa ku leeyahay Hargeysa Shaybaadh casri ah dadkana waxaan ku daweeyaa oo aan ku qalaa lacag la’aan. Wax lacag ah kama qaado. Haddii aan qofkiiba ka qaadan lahaa (5000/=) Sl oo ah fiiga eegista, bishii waxaan qaadan lahaa in ka badan 1000$ Kun dollar, tan waxaan u sameeyay inaan dadkayga wax taro, dalka oo aan muddo aad u dheer ka maqnaa, dadweynaha sharafta leh waxaan la socodsiinayaa inaan u imid inaan wax taro ee umaan imanin inaan ka shaqaysto, waxaa dhameeyay Jaamacadda heerka sare ahayd 1960-kii waxaa dhacday in aniga oo wata inaan tacliinta dhakhtarnimada sii kordhisto, in dawladdii soomaalida ee markaa dhalatay ii yeedhay oo ii sheegtay inay aad iigu baahan yihiin, iyadoo uu dalka ka baxayo dhakhtar Ingiriis ahi. Dadkayga iyo wadan jacayl awgii ayaan si deg deg ah u imid dalka, waxaan ka s shaqeynayay Hargeysa 9 bilood, wax mushahar ahna maan qaadan, waxa la ii bedelay Xamar waxaanan ka shaqaynayay 6 bilood mushahar la’aan.

Dhinaca Jaamacadda Hargeysa, lacaga igaga baxda mooyee wax lacag ah oo iga soo gashay ma jirto, haba yaraatee, danta jaamacadda ayaan berri dhawayd u tagay Addib Ababa. Tigidhkii diyaaraddaa anigaa iska bixiyay iyo kharashyadii kaleba, waxa kale oo aan arrimaha Jaamacadda iyo horumarinteeda u tagay dalalka Ingiriiska, Holland, Jarmalka, iyo Canada intaas oo wadanba anigaa iska bixiyay tigidhka diyaaradda, iwm, nasiib wanaag waxaa jaamacadda aad u soo caawisay socdaalkaygaa ka dib qurba joogga reer Somaliland ee dunida ku baahsan waxa kale oo sidan oo kale u tagay Imaaraadka Carabta (UAE) anigoo u socda sidii wax loo tari lahaa Jaamacadda qurba joogga reer Somaliland waxay noo soo direen kumaankun buugaag ah iyo qalabka kale oy Jaamacaddu u baahantahay, tobankii cisho ee u dambeeyay, waxaan helay kumaankun buug oo ah qaarna yimaadeen qaar kalena aanu sugayno, iyo qalabka Internet-ka oo la socda markaa waxay ila tahay anigoon faanaynin inaan Jaamacadda wax wayn u taray , markastana aan diyaar u ahay, inaan da’ yarta soo koraysa aan waayo aragnimadayda iyo sumcadda aan ku leeyahay dibada wax uga faa’iideeyo, mar kastaba.

Sidaa darteed waxay ila tahay in jaraa’idka aan layskaga soo qorin wax aan jirin, oo ah been aan sal lahayn iyo raad midna lahayn.

Top


Mudanayaaasha Golaha Wakiilada Oo Si Ba’an Isugu Qardoofay Ajandaha Miisaaniyadda 2003 

"Xaq uma lihin in aynu hoos u dhex-galno waxa ay xukuumadda iyo madaxweynuhu wasaaradaha u qaybiyeen" Mudane Qaybe, Gudoomiyaha Wakiillada

"Xaq baanu u leenahay in aanu hoos u eegno miisaaniyadda" Mudane Siciid Cilmi Rooble


Hargeysa (Haatuf): Gudduumiyaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha golaha wakiilada, mudane Siciid Cilmi Rooble ayaa shalay warbixin uu aad u faaqiday oo ku saabsan miisaaniyadda dawladda ee 2003 ka jeediyey fadhigii golaha, iyadoo dhinaca kalena uu halkaa ku sugnaa wasiirka maaliyadda mudane Xuseen Faarax Doodi oo ay weheliyaan ragga kale ee wasaaradda uga hooseeyaa. Laakiin faaqidaadda ay warbixintaasi xanbaarsanayd waxay markiiba intii aanay afka Siciid Cilmi Rooble ka soo dhammaan mudasha ka abuurtay buuq iyo sawaxan sababay inay si weyn isu afdhaafaan mudane Siciid Cilmi Rooble (Gudoomiyaha guddiga dhaqaalaha) iyo gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo fadhiga gudoominayey, waxayna taasi keentay inuu gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Qaybe hadalka ka joojiyo mudane Siciid Cilmi Rooble isaga oo dhexda kaga jira warbixintii miisaaniyadda, sidoo kalena waxa faraha isula tegi gaadhay oo isku qamaamay laba mudane oo la kala duduucay, ka dib markii ay dagaal isugu soo fara baxsadeen madasha dhexdeeda. Waxa kale oo iyana dhacday inuu mudane ka tirsan isla guddiga dhaqaalaha uu markii Siciid hadalka laga joojiyey la sarakacay warbixin kale oo la xidhiidha miisaaniyadda, laakiin khilaafsan warbixinta Siciid Cilmi Rooble.

Gudoomiyaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiilada, mudane Siciid Cilmi Rooble waxa uu soo bandhigay dhaliilo shilis oo uu ku tilmaamay miisaaniyadda 2003, isla markaana mudane Siciid Cilmi Rooble waxa uu mala-awaalka miisaaniyadda sannadka 2003 ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog, isaga oo yidhi, "Mala-awaal xaqiiqda ka fog ayey soo samaysay wasaaradda maaliyaddu".

Waxaana ka mid ah waxyaalaha uu sheegay in nuqulkii miisaaniyaddii ee la hordhigay golaha wasiirada ee ay ansixiyeen iyo nuqulka miisaaniyadda ee la horkeenay golaha wasiirada ay kala badan yihiin, isaga oo sheegay inuu u dhexeeyo faraq ilaa 5 Bilyan ah. "Faraqa u dhexeeya labada miisaaniyadood waxa uu dhan yahay 5 Bilyan, shantaa bilyan oo aan soo marin golihii xukuumadda waa gef sharci ah"ayuu yidhi mudane Siciid Cilmi Rooble, iyadoo uu xaddiga miisaaniyadda ee golaha wakiilada la horkeenay dhan yahay 116,688,566,649 Sh.SL, halkii tii hore ee golaha wasiiradu soo ansixiyeena ahayd 111,882,770,108 SH.SL. Laakiin mudane Siciid waxa kale oo warbixintiisa ku xusay dakhli dheeraad ah oo soo baxay miisaaniyaddii sannadkii hore ee 2002, kaas oo dhan 19,275,595,605/ Sh.SL. "Waxa buugga miisaaniyadda ka muuqda in lacagtaa lagu daboolay dayn baanku lahaa sannadihii hore, laakiin golaha wakiiladu ma ansixin dayn baanka lagu lahaa, isla markaana miisaaniyad qabyo ah (Supplementary Budget) looma soo gudbin, iyadoo uu qoddobka 53aad ee distoorku ina farayo inaan la geli karin kharash aan golaha wakiiladu ansixin"ayuu warbixintiisa ku yidhi mudane Siciid Cilmi Rooble. Laakiin mudane Siciid waxyaalaha kale ee uu warbixintiisa ku soo bandhigay waxa ka mid ah miisaaniyadda guddiga doorashooyinka loo qoondeeyey, taas oo uu duray sharciyadeeda iyo qaab-maamulkeedaba, isaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi "Guddiga doorashooyinku waxay soo samaysanayaan miisaaniyad, waxayna u gudbinayaan madaxweynaha, ka dibna golaha wakiilada, iyaga oo xisaab-celin soo samaynaya, una gudbinaya xisaabiyaha guud, laakiin miisaaniyadda ina hortaal guddiga doorashooyinka waxa ugu jira 3 bilyan oo shillin oo duuduub ah, halkaana waxa ka cadaatay inaan la raacin qoddobka sharciga iyo hab xisaabeedka, sharcigana la jebiyey."

Mudane Siciid Cilmi Rooble dhaliilaha uu hoosta ka xariiqay inkasta oo ay badnaayeen, hadana qoddobada ugu muhimsan waxa uu ugu dambayn ka soo jeediyey talobixin, wuxuuna yidhi "Si ay inoogu suurtagasho miisaaniyad fayow inaynu ansixino waxaan mudanayaasha u soo jeedinayaa in faraqa shanta bilyan ah dib looga soo ansixiyo golaha xukuumadda, in korodhka miisaaniyaddii 2002 oo dhan hal bilyan, la iskana lunsaday loo soo sameeyo miisaaniyad qabyo ah (Supplementary budget) si uu goluhu u ansixiyo iyo in baadhis la geliyo labada dembi ee ku qeexan qoddobka 1aad iyo qoddobka 2aad oo kala ah samaynta labada miisaaniyadood iyo distoorka la jebiyey oo la iskaga takrifalay hantida ummadda".

Mudane Rooble waxa kale oo uu talooyinkiisa ku darsaday inuu hantidhawraha guud golaha wakiilada u soo gudbiyo wixii dakhli soo galay iyo wixii kharash baxay labada xisaabood ee kabka dawladaha hoose uga furan baanka oo loogu tala galay kharashka doorashooyinka. Sidoo kale gudoomiyaha guddiga dhaqaaluhu waxa uu sheegey in markii daraasadda wadeen ay u yeedheen xisaabiyaha guud ee dawladda, laakiin uu diiday inuu horyimaaddo. Waxa kale oo farta ku fiiqay madmadaw door ah oo ka muuqda waxa loo yaqaan biilasha taagan (Daynta lagu leeyahay hayadaha dawladda). 

Mudane Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu xusay xaddiga miisaaniyadda ee loo kala qoondeeyey Wasaaradaha iyo hayadaha kale ee dawladda oo uu ku tilmaamay inaanay isu dheelitirnayn, sidaa darteedna waxa uu sheegay inay hoos u eegeen si ay wax ka bedel ugu sameeyaan saamiyada loo kala qoondeeyey Wasaaradaha dawladda, laakiin markii uu halkaa marayey ayey isa sudhmeen shirgudoonka, ka dib markii uu mudane Qaybe yidhi, "Xaq uma lihin inaynu dhexgalo waxa golaha wasiirada iyo madaxweynuhu u qaybqaybiyeen Wasaaradaha", laakiin mudane Siciid ayaa taa dood ka jeediyey, isaga oo yidhi "Xaq baanu u leenahay inaanu hoos eegno miisaaniyadda". 

Ka dibna markii ay halkaa maraysay ayey mudane Siciid Cilmi Rooble iyo gudoomiyaha mudane Qaybe muran xoog lihi dhexmaray, taasina waxay keentay inuu mudane Qaybe mudane Siciid hadalka ka joojiyo isaga oo aan warbixintii dhamayn, ka dibna mudane Siciid debedda ayuu uga baxay madasha, laakiin mudane Maxamed Warsame oo xubin ka ah guddiga dhaqaalaha ayaa markii uu Siciid baxay minbarka hadal la fuulay, isaga oo jeediyey hadal ka dhan ah warbixinta gudoomiyihiisa, isla markaan nasteex u ah wasaaradda maaliyadda. Waxa kale oo isna hadal henjabaad u eg ku tiraabay gudoomiyaha mudane Qaybe, isaga oo yidhi "Gudoomiyaha guddiga dhaqaaluhu wuu iska baxay, taasina jawaabteeda ayey leedahay."

Ugu dambayn miisaaniyadda uu wasiirka maaliyaddu golaha wakiilada soo hordhigay waxay xambaarsan tahay dhaliilo shilis iyo madmadaw badan, kuwaas oo u baahan daymo badan iyo in aad loo tifaftiro.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Fagaaraha Kala Hadlay Dadweynaha Boorama

"waxaan Qabaa In Iibka Xooluhu Furmayo Inta Aynu Doorashada Ku Jirno"

Boorame (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isaga iyo wefti uu hogaaminayaa ay dhawrkii maalmood ee ina dhaafay booqasho ku marayeen degaamada gobolka Awdal ayaa shalay dadweynaha reer Boorame kala hadlay meel fagaare ah, halkaas oo uu ugu jeediyey khud-bad uu ugaga waramay ujeedada socdaalkiisa iyo arimo kale oo ay ka mid yihiin arimaha doorashada iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee wadanka.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar ayaa warbixin nooga soo diray khudbadda uu Madaxweyne Rayaale u jeediyey dadka reer Boorame iyo waxyaalihii uu Madaxweyne Rayaale halkaa ka yidhi, wuxuuna weriyuhu warbixintiisa ku bilaabay:

"Madaxweyne Rayaale waxa uu dadweynaha reer Boorame khud-bad uga jeediyey fagaaraha Khayriyadda, waxaana fagaarahaa isugu soo baxay kumanaan qof oo isaga yimi gudaha magaalada Boorame iyo daafeheedaba, iyadoo ay indhowaale dadkii ugu tirada badnaa isugu soo baxeen fagaaraha khayriyadda magaalada Boorame, wuxuuna Madaxweyne Rayaale kaga hadlay waxyaalo ay ka mid yihiin arimaha doorashooyinka, dhaqaalaha iyo guud ahaan wacyiga siyaasadeed ee dalku ku jiro, laakiin Madaxweyne Rayaale ugu horayn waxa dadweynaha reer Awdal uga mahad-celiyey sidii shishlayd ee ay u soo dhoweeyeen, isaga oo yidhi "Waxaana marka hore idiinka mahad-celinayaa sidii fiicnayd ee aad aniga iyo weftigayga u soo dhowayseen", laakiin intaa ka dib madaxweynuhu isaga oo ka waramaya ujeedada socdaalkiisa gobolka Awdal wuxuu yidhi, "Safarkaygani waxa uu qayb ka ahaa socdaalkii ay dalka ku marayey, kaas oo ay ujeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada xaaladda dalka iyo dadweynaha, waxaana ogahay inuu dalku dib-udhis u baahan yahay, shaqo la’aanina ay jirto, laakiin waxaas oo dhami ma aha wax waqtigan hal mar wax laga wada qaban karo."

Madaxweyne Rayaale isaga oo dadka reer Awdal si gaar ah ula hadlaya wuxuu yidhi "Hadii aad reer Awdal tihiin hanaqaadka dawladdan baal dahab ah ayaad kaga qoran tihiin, waayo tan iyo 1991-kii dhismaha dalka waxaad ka soo qaadateen qayb, iyadoo aad 93-kii dawladdan Boorame ku dhisteen, waxaan idin leeyahay waxyaalo badan ayaa idiin qabsoomay ama idiin dhaboobay, waxyaalahaas oo aan hore uga hadlay markii aan aniga oo Madaxweyne-kuxigeen ah booqashada idiinku imi, markaa maanta dadka reer Somaliland meel ay joogaan-ba waa mid, idinkuna hadii aad tihiin reer Awdal waxa la idinka rabaa inaad sii adkaysaan midnimada."

Madaxweyne Rayaale isaga oo hadana ka hadlaya dhinaca doorashooyinka waxa uu yidhi "Tan iyo 1960-kii Somaliland waa markii u horaysay ee ay doorashooyin madax-banaani ka dhacaan , doorashooyinka soo socdana waxa lagu soo doorran doonaa Madaxweynaha mustaqbalka, sidaa darteed waxa loo baahan yahay inaad taariikhda calaamadisaan oo aydaan xisbina ku doorran cay iyo aflagaado". Laakiin madaxweynuhu intuu uu khud-badiisa ku dhex-jiray waxa uu dadka reer Awdal ugu bishaareeyey yididiilo fiican oo la xidhiidha ganacsiga xoolaha nool, taas oo uu tilmaamay in la filayo in iibkii xoolaha dhakhso loo furo, isaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi "Waxaan qabaa in iibku xooluhu dhowaan inoo furmi doono, hadii aanu furmin inta aynu doorashada ku jirno, iyadoo ay hawlaha dhoofka xoolaha ku saabsani hadda noo socdaan".

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda debedda, wuxuuna yidhi "Xidhiidhka debedda wax badan ayaa inoo qabsoomay, iyadoo aanud dalalka Yurub iyo kuwa Afrikaba ka hayno rajooyin badan, taas oo ku timi dedaalkii aanu samaynay ee doorashooyinkii golayaasha degaanka ee sida nabadgelyada ah u dhacay, sidaa darteed waxaan idinku boorinayaa inaad doorashada maantana si wanaagsan uga soo baxdaan, waxaana idinku boorinayaa in qaadka hadh iyo habeen la cunayo la iska daayo aniguba waan iska daayaye si aad wax u qabsataan".

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno kale oo ay ka mid yihiin Madax-dhaqameed, masuuliyiin maamulka gobolka iyo degmada Boorame ah, waxayna xubnaha halkaa ka hadlay tacsiyadeeyeen labadii marxuum ee ka mid ahaa ilaaladii Madaxweynaha u sii raacday socdaalkan oo shil baabuur ku dhintay.

Top


Dawooyinka Waxtarkooda Iyo Waxyeeladooda

Maqaalkan oo an ugu talagaly inuu noqdo mid taxane ah oo todobaad walba maalinta Axada ku soo bixi doona haddii Alla yidhahdo, waxay ujeedadiisu tahay inaan dadweynaha ugu iftiimino waxyaalo fara badan oo ku saabsan adeegsiga dawooyinka si loogula dagaalamo cudurrada, maxa yeelay dadweynuhu marka ay dareemaan inaan caafimaadkoodu wanaagsanayn ama ay bukoodaanba waxay u tagaan dhakhtar oo ay u sheegaan waxa ay ka cabanayaan, isaguna markuu baadhitaan sameeyo ee u ogaado xanuunka qofkaa haya, waxa lagama maarmaan ah inuu u qoro dawadii cudurka u ka helay bogsiin lahayd. 

Ha yeeshee sida qaalibka ah dhakhaatiirtu tafaasiil badan oo ku saabsan dawooyinka ay u qoreen qofka buka ma siiyaan, waxaa laga yaabaa in dhakhaatiirta badankoodu aanay wakhtiba u helin inay qofka buka u faahfaahiyaan dawooyinka ay ugu tala galeen inuu isticmaalo, ama waxa dhacda sida ay dhakhaatiirta qaarkood rumaysan yihiin in qofka buka aan lala socodsiin arimaha ku saabsan xanuunkiisa iyo dawooyinka la siinayo oo sir laga dhigo, taas ayaana ugu wacan inaan qofka buka loo sheegin wax dhaafsiisan "dawadaa seddexda wakhti min hal ka qaado". Caadadaasi waa mid aad u qaldan waayo waxa haboon in qofka buka laga qayb geliyo talada dawayntiisa, waxaanu xaq u leeyahay inuu helo macluumaadka ugu badan ee la xidhiidha kimikalka jidhkiisa gelaya.

Ma jirto adduunka korkiisa dawo qudha oo lagu tilmaami karo in aanay waxyeelo lahayn haba yaraatee. Dawooyinkoo dhami waxay ka dhigan yihiin mindi laba af leh, waxan taa uga jeedaa dawo kasta waxay leedahay dhinac fiican oo ah ka ay cudurka kula dagaalamayso, iyo dhinac xun oo ay qofka isticmaalaya waxyeelo ugu geeysan karto. Daweynta cudurrada ee lagu guulaystaa waa ta sida taxadirku ku jiro la isugu miisaamo dhinaca waxtarka leh ee dawada iyo dhinaceeda kale ee waxyeelada leh, iyado weliba marka la isu miisaamayo kefedda loo badinayo waxtarka ay leedahay dawadaasi. Waxase nasiib darro ah taa liddigeeda ayaa inta badan dhacda oo cudurkii qofka laga dawaynayay ayaaba ka dhibaato yaraada ka dawadu ay keento (reaction to the treatment).

In kastoo cilmiga daweyntu uu wakhtigan xaadirka ah heer aad u sarreeya gaadhay oo la sameeyay dariiqooyin casriya oo cudurrada lagu baadho iyo qalliino, hadana sida aynu ka warqabno mujtamaceeno weli aadbuu u dambeeyaa, dhakhaatiirteenuna waxa keliya ee ay adeegsadaan waa iyagoo dawooyinka uun kolba mid ku eega inay cudurka daweyso, taa waxa ka sii daran iyadoo habka ay dadku dawooyinka u isticmaalaan ay tahay mid qaldan. Dhakhtarka fiicani wuxuu u qoraa hal dawo ugu yaraan 75% dadka u daweynayo, taa macnaheedu waxa weeye dhakhtarkaasi wuxuu sameeyay baadhitaankii loo baahnaa inta aanu qofka dawo u qorin, hadii ay tahay shaybaadh ama sawir iwm. Waxad ka soo qaada adigoo duray cusub qaba hadii ad dakhtar u tagto, dabcan waxaad u sheegaysaa inaad leedahay xumad, madax-xanuun, qufac, sankoo biyo kaa socdann, cabudh iyo daal fara badan, kuwaas oo dhan waxa la yidhaa astaamaha cudurka (Symptoms), hadaba haddii u dhakhtarku mid wal oo astaamahaa ka mid ah uu dawo kuugu qoro, waxaad qaadanaysaa shan ama lix dawo, taasina waa qalad waayo waxaas oo dawooyin ihi hadii ay mar qudha jidhkaaga galaan waxa laga yaabaa inu halkaa ka dhaco waxa loo yaqaan "Chemical interaction", oo dhibaato cusub oo lama filaan ihi ay dhacdo dabadeed waxyeeladu ay ka weynaato tii marka hore lagaa daweynayay.

Ta kale ee waxaas oo dhan ka sii dhibaato weyni waxa weeyaan habka ay dadweynuhu dawooyinka uga iibsadaan farmasiyyada oo ah mid qawaaniinta adduunka u taal oo dhan ka soo hor jeedda, matalan waxa dhacda inuu qof tago farmasiga oo u yidhaa " dhaxanbaa ihaysee laba midh oo ambisiliin kapsul ah iga iibi", Ambisiliin (AMPICILLIN) waxay ka mid tahay dawooyinka loo yaqaan "antibiotics" habka loo qaataana waxa weeyi in ugu yaraan shan maalmood oo xidhiidh ah la qaato oo seddex ama afar jeer maalintii la qaato labada goorna ay u dhaxayso lix ilaa siddeed saacadood waayo waxa la rabaa dawadii hore inta aanay jidhka ka wada bixin inay ta kale soo gasho, haddiise uu qofku laba midh intuu qaato hadana maalinta xigta uu laba kale qaato taasi waxay dhalinaysaa in cudurkii ama jeermiskii ay dili lahayd u samaysto awood u kaga adkaado quwaddii ay dawadu lahayd "resistance" oo markaa dawadii ay waxba tari waydo, sidaa awgeed waxa haboon in dadwenuhu aanay dawooyinka sida ay doonaan u cunin ee ay marka hore dhakhtar u tagan dabadeed sida u dawooyinka ugu qoro ay u qaataan.

Ujeedada ugu muhiimsan ee an ka leeyahhay maqaalkani waa inaan dadweynaha siiyo macluumaadka ugu badan ee ku saabsan khatarta xoogga ah ee leeyihiin dawooyinku haddii aan si habsami ah loo isticmaalin, iyo sida ugu haboon ee ay naftooda uga badbaadin lahaayeen halista weyn ee ku sugan marka dawooyinka loo isticmaalo si aan haboonayn, waxa kale oo an u iftiiminayaa habka ugu fiican ee ay naftooda u daweyn karaan markaa aanay gaadhi karayn dhakhtarka. Waxaanan ku rajo weynahay in haddii Eebbe idmo an ku guulaysan doono inaan dadweynaha ama akhristayaasha qaayaha leh fahamsiin karo dawooyinku sida ay u shaqeeyaan marka ay jidhka bani-aadamka galaan iyo siyaabaha looga hortago haddii ay dhibaato ka dhalato isticmaalkooda, sidaa awgeed waxaan dadweynaha ka rajaynayaa inay si joogto ah ula socdaan maqaalkan oo an hubo inay wax badan ka faa’iidaysan doonaan.

La Soco...

Top


Gebiley:Imaatinka Rayaale Iyo Dareemada Cusub Ee Ka Taagan

Gabiley (Haatuf): Gudoomiyihii xafiiska UDUB ee degmada Gebilay, Xuseen Nuur Bakaal (Soobe) ayaa xilka laga qaaday, sidaana waxa shaaca lagaga qaaday waraaq qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska xoghayaha guud ee UDUB, oo fadhigiisu yahay Hargeysa, iyadoo ay waraaqda xilka qaadista Soobe degmada Gebilay soo gaadhay doraad, laakiin sida ku cad isla waraaqdaa waxa xafiiska UDUB ee degmada Gebilay loo magacaabay nin cusub oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan Miigane. 

Hase yeeshee xilka qaadistan waxay dadka reer Gebilay aaminsan yihiin inay daba socoto khilaafaad muddo soo jiitamayey oo bilowgoodu ku sinnaa xiligii loo kaankaansanayey doorashadii golayaasha degaanka, marar badana cirka isku shareeray, laakiin khilaafaadka caynkaas ah inkasta oo marar dhawr ah la yara qaboojiyey, hadana waxay iminka u muuqataa inuu ladhkeedii soo kacay, taas oo uu iminka magaalada Gebilay ka jiro sawaxan iyo buuq la xidhiidha arimahaa, iyadoo ay dhacdooyin kale oo arintaa la xidhiidhaana hadda ka ooggan yihiin degmada Gebilay, waxayna taasi ku soo beeggantay xili uu Madaxweyne Rayaale ku soo beeggan yahay magaalada Gebilay, iyadoo la filayo inuu maanta soo gaadho magaalada Gebilay, isaga oo ka soo kicitimi doona magaalada Boorame oo uu joogay muddo laba habeen ah.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa arinta dhinaca khilaafka iyo xarakaadka loogu diyaar-garoobayo qaabiladda Madaxweyne Rayaale iyo weliba saamaynta uu dareenkan cusubi ku yeelanayo imaatinka Madaxweyne Rayaale warbixin nooga soo diray, wuxuuna weriyuhu warbixintiisa ku bilaabay:

"Iyadoo degaanka Gebilay uu ku soo fool leeyahay Madaxweynaha Somaliland oo hadda socdaal ku jooga Boorame ayaa waxa magaalada Gebilay ka hulaaqmaya khilaaf ka dhex-ooggan kooxo xisbiga UDUB ah, waxaana khilaafkaa si weyn loo dareemay, ka dib markii ay koox haween ah uu xisbiga UDUB ahi ay ka yimaadeen dhinaca Hargeysa, kuwaas oo siday qalab, sheegayna inay furayaan xafiisyo cusub oo ilaa saddex ah oo ay UDUB leedahay, laakiin furitaanka xafiisyadaa waxa isku khilaafay haweenka UDUB iyo qolyaha UDUB ee degmada Gebilay, laakiin taasi waxay keentay in gelinkii dambe ee doraad xilka laga qaado gudoomiyaha xafiiska UDUB ee degmada Gebilay, Xuseenn Nuur Bakaal (Bood), iyadoo uu xoghayaha guud ee xisbiga UDUB waraaqda xilka qaadista Bood ka soo diray dhinaca Hargeysa, waxaase gudoomiyaha xafiiska UDUB ee Gebilay loo soo magacaabay nin la yidhaahdo Cismaan Miiggane.

Xil-kaqaadista gudoomiyaha UDUB ee Gebilay waxa la aaminsan yahay inay sababteedu la xidhiidho khilaaf muddo soo jiray kooxaha UDUB dhexdooda, iyadoo xukuumadduna lagu xanto inay khilaafka dhinac kaga lug leedahay, waxayse xilka qaadista Soobe taageerayaasha UDUB ee degmada Gebilay ka dhex-abuurtay guux hor leh iyo dareen diidmo ah, waxayna taasi weliba saamaysay mudanayaasha golaha degaanka ee xisbiga UDUB, waxaana muuqda xamaasad dareen leh oo lagu diidan yahay bedelka Cismaan Nuur Bakaal, iyadoo ay dadka reer Gebilay cabsi ka qabaan inuu khilaafkaasi abuuro xarakaad iyo buuq saameeya xaaladda magaalada.
Maayarka Gebilay, Muxumad Geelle Seed ayaa isaguna shalay socdaal kedis ah ku tegay magaalada Boorame, waxaana la rumaysan yahay inuu socdaalka maayarku la xidhiidho dareenka ka dhashay bedelka Soobe, laakiin ninka la bedelay, Soobe oo aan wax ka waydiiyey arintaa ayaa ku jawaabay "Inkasta oo uu horeba dareen iigu jiray, hadana mar aan Hargeysa waxa la ii sheegay inuu warqadda ii soo qoray xoghayaha guud ee UDUB, laakiin aanay la ogayn guddiga fulintu, waraqadana waxaa keenay Abiib Timacad.’

Sidoo kale Soobe mar aan waydiiyey Xafiisyada la doonayey in laga furo Gebilay, ka dibna khilaafku ka dhashay wuxuu sheegay inaanu arinta xafiisyadaa waxba ka ogayn, sidaa darteedna uu diiday, isaga oo sheegay inay xafiisyadaasi sababeen iska hor-imaad dhexmaray kooxo haween ah, laakiin Soobe waxa kale oo uu sheegay inaanay xilkaqaadistiisu waafaqsanayn xeerka u yaal xisbiga UDUB. Waxa kale oo uu Soobe sheegay inay arinta xilkaqaadistiisa ka wada hadleen wasiirka waxbarashada dawladda Somaliland oo hadda ku sugan Boorame, sidaa darteedna ay ballan ka leeyihiin wax ka qabashadeeda.

Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha degaanka Gebilay oo aan xalay fiidkii arintan wax ka waydiiyey ayaa ii sheegay inay gelinkii dambe ee shalay yeesheen fadhi aan caadi ahayn oo uu ka maqnaa maayarku, laakiin uu fadhiyey maayar-kuxigeenku, halkaasna ay ku go’aamiyeen kaambayn (Olole) dhinaca xisbiyada ah ilaa inta uu madaxweynuhu booqashada ku joogo degmada Gebilay, isla markaana la adkeeyo nabadgelyada, iyadoo lagu wado inuu Madaxweyne Rayaale degmada Gebilay u hoydo hal habeen."

Top


Wasiirada Cusub Ee Macdanta, Gaashaandhigga Iyo Hawlaha Guud Oo Xilalka La Wareegay

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka cusub ee wasaaradda macdanta iyo biyaha, C/raxmaan Maxamed Ismaaciil ayaa shalay xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaa, Maxamud Cabdi Malaw, waxaana xafiiska wasiirka ee wasaaraddaa lagu qabtay xaflad ay labadaa masuul xilka kula wareegeen. Sidoo kale wasiirada cusub ee gaashaandhigga iyo hawlaha guud mudane Boos iyo mudane Cismaan Qaasin ayaa shalay xilalkii kala wareegay wasiiradii hore ee wasaaradahaa, iyadoo ay xaflado xil-wareejin ahi ka dhaceen xarumaha labada wasaaradood mid walba goonideeda.

Wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo macdanta biyaha Maxamud Cabdi Malow ayaa ugu horayn xafladdii xilwareejinta hadal ka jeediyey, isaga oo ka waramay waxyaalihii u qabsoomay wasaaradda mudadii uu xilka hayay, isla markaana tilmaamo ka bixiyey hawlaha waqtigan xaadirka ah wasaaradda u yaal, wuxuuna Maxamuud Cabdi Malaw wasiirka cusub ku wareejiyey lacag dhan 113000 U.S-doolar, waxayna labada masuul halkaa isku dhaafsadeen hadalo mahad naq u badan, iyadoo ay dhinaca kalena halkaa ka hadleen masuuliyiinta kale ee wasaaradda qaarkood, sida wasiirku-xigeenka, Yuusuf Ciise Talaabo iyo agaasimaha guud, Mr Odawaa iyo weliba qaar kale, waxa kale oo isna ka mid ahaa raggii munaasibaddaa ak hadlay mudane Boosh-cadde oo ka tirsan golaha Guurtida. "Waan wadayaa siyaasaddii UDUB iyo hawlaha tartanka doorashada"ayuu yidhi Maxamuud Cabdi Malaw. 

"Jeebkii wuu madhan yahay, qalabna ma jiro, ninkii farsama yaqaanka ahaa oo qudha ayaa wasaaradda jooga", sidaana waxa yidhi wasiirkuxigeenka, Yuusuf Talaabo.

Dhinaca kalena masuuliyiinta la kala wareegay xilalka Wasaaradaha gaashaandhigga iyo hawlaha guud ayaa xafladaha ay xilalka kula wareegeen isku dhaafsaday hadalo mahad-naq iyo warbixino ah, waxayna guud ahaan munaasibadahaa xilalka lagula kala wareegay u dhaceen si wanaagsan iyadoo ay saddexda wasiir ee cusub ee xilalka la wareegay uu dhowaan saddex maalmood ka hor Madaxweyne Rayaale magacaabay, waxayna ka mid ahaayeen ururkii ASAD, qoladii UDUB ku biirtay ee uu hogaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal).

Top


Ku-Simihii Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Oo Is Casilay

Hargeysa (Haatuf) Xoghayaha difaaca iyo nabadgelyada ee Xisbiga UCID Cali Xaaji Maxamed, isla markaana ahaa ku simaha xoghayaha guud ee xisbigaasi ayaa iska casilay xilkaas. Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal uuna soo gaadhsiiyay maalintii jimcihii, isaga oo iscasilaadiisa ku sababeeyay inaanu u bogin maamulka xisbigiisa, muddooyinkan dambe, sidaa darteedna uu iskaga casilay xilkii uu hayay xisbigaasi.

Waxaanu intaa ku daray in iyadoo ay si dhakhso ah u bilaabmayaan ololihii doorashada madaxtooyadu, inuu xisbiga UCID u rajaynayo guul, isaga oo ugu dardaarmay in aanay dhayalsan sidii loo kasban lahaa codka dadweynaha ururadii dhacay, isla markaana aanay jirin cabsi looga maago kasbashada codkaasi.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

"Xukuumaddu Ha Noo Soo Gurmato"

Hargeysa (Haatuf) Dumarka ka ganacsada khudrada ee Suuqa Gobonimo ayaa na soo gaadhsiiyay cabasho ku saabsan in la duudsiyay xuquuqdoodii ay u lahaayeen inay ku ganacsadaan suuqaasi, ka dib markii aysida ay sheegeen lagu amray inay ka guuraan goobahii ay deganaayeen sida ay ku sheegeen dumarkaasi, qoraal ay na soo gaadhsiyeen waxa ay eeda arrintaasi dusha ka saareen guddiga suuqa Gobanimo ee cusub iyaga oo sheegay in la badelay gudoomiyihii hore oo ay balani ka dhaxaysay, waxaanay sidaa darteed ka codsadeen dawladda iyo golayaasha qaranka in xaaladooda ay ku suganyihiin looga soo gurmado.

Qoraalkooda oo dhamaystirana wuxuu u qornaa sidan:-

"Anaga oo ah haweenka ka ganacsada khudrada ee laga raray suuqa xisbiga oo haatan la yidhaahdo Gobanimo iyadoo naloogu balanqaaday markii uu dhismuhu socday in anagana naloo dhisi doono goobo aanu ku ganacsano, markaasoo nalagu kala daadiyay dhul kala filiqsan iyadoo ay xaaladayadu sidaa tahay ayaa haatan nalagu yidhi waxba la idiinma hayo.

Waxa intaa noo dheer iyadoo la bedelay gudoomiyihii hore ee aanu heshiiska la galnay, haatana xaaladayadu aad bay u liidataa. Anaga oo tiradayadu ku dhawdahay 800 oo qof.

Sidaa darteed waxaanu xukuumadda iyo golayaasha qaranka oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka aanu ka codsanaynaa in naloo soo gurmado oo xaaladayada wax laga qabto, maadaama oo suuqa aanu nahay dad danyar ah oo suuqa galiya khayraadka dalka gaar ahaana khudrada wadaniga ah oo haatan naga baylahday bacadkana ku qudhuntay"

Maryan Yuusuf Cumar, Umalkhayr Xasan Bookh, Deeqa Barkhad Khayre, Faadumo Cumar Cali, Caasha Maxamuud Qalinle, Wakiiladda khudradlayda suuqa Gobonimo, Hargeysa.

Top


Qabyaaladda Iyo Qaranimo Meel Ma Wada Fadhiistaan

By: Yuusuf Faarax Cadar (Al Azhari)

Garashadu aadamigu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee Illaahay ku manaystay aadamigiisa haddaba shaqsigu marka uu caafimaad qabo ee uu adeegsado garashada uu Eebbe siiyey una geeyo aqoonta waayo aragnimo ee uu kasbaday wuxuu kala gartaa xumaha iyo samaha wuxuuna ku toosaa dariiqa wanaagsan ee Eebbe u jideeyey inuu ku noolaado kuna dhaqmo dhalasho iyo dhul ahaanba haddise shaqsigu garan waayo ku adeegsiga caqliga wanaagsan waxaa khal-khal gash a noloshiisa iyo dhaqankiisa wuxuuna mutaystaa saboolnimada aqoon la'aaneed haddaba hadaynu u daadagno nuxurka Somaliland waa dal ka soo kabtay waxyaabo fara badan bulshooyinka aduunku ka soo gudbeen higsanaayana meel ay gaadheen aduunyada hore u martay, haddaba garashada xorta ahi waxay na baraysaa in Somaliland ay tahay dal xudduud iyo xeerba leh, ka gudbida xeerkaasina waxay na bidaysaa xamaasad qabiil, xaasidnimo iyo u quudhiwaa kolba kii ummadu wax u dhiibato.

Qaranimadu way ka qaalisan tahay qabiilka Iyo qolonimada qolana' ma wada seexan karaan adeegsiga qabiilkuna wuxuu qalalaase iyo qalooc ku yahay qaranimada waanu qiimo tirayaa wuxuuna ka dhigayaa biyo col dhaanshay wax kasta 00 ummadu gaadhay intii ay jirtay Somaliland shaqsi iyo wadarba haddii uu garaadkoodu rogrogi waayo inay iswaydiiyaan su'aalahan soo socda:- 

  1. Kumaan ahay? 

  2. Maxaan u noolahay? 

  3. Waa maxay no10shu? 

  4. Waa maxay ujeeddada ka dambaysa no10shu, 

Waxay noqonaysaa in bulshadu ama shaqsigu wixii uu xeerin 1ahaa, xaq dhawri lahaa ama uu ixtiraami lahaa uu ku xaragoodo una qaato wax wanaagsan, garashada wacan oo la adeegsadaana waxay ina baraysaa in shaqsi kasta oo reer Soma1iland ah ixtiraamo xeerarka wadaniga ah ee ummadu dhigatay, wadankiisa, maamulkiisa iyo muwadinkiisa waana inuu ogaadaa in maamu1ku isaga loo hayo ee aan cid kale oo hayn kolba kii Eebbe u dhibaana qabanaayo waana wax Rabi keeno ee rabitaan aadami maaha, haddiise uu ka lumo caqliga wanaagsan iyo wadaniyadu wuxuu mar wa1ba raadiyaa dano gaar ah inuu yeesho iyo sidii uu u heli 1ahaa in uu abuuro xeelado baahiyeed 00 fara badan wuxuuna jabiyaa xaydaamka nolosha wuxuna qiimeeyaa waxa ay rabaan inta la garaadka ahi iyo inta uu garasho sokeeye la 1eeyahay aragtidiisuna kama foga hadba inta uu arkaayo mana yeesho himilo nolo1eed, wadaniyadeed iyo mustaqba1 garasho wacan 00 hadhaw lagu xasuusto. Mana xeeriyo waajibaad gudashada ka saaran bu1shada iyo xeer dheerideeda toona. 

Shaqsigaasi waxaa ka lunta qiimaynta dalnimo, dadnimo ee uu lahaa mana qiimeeyo xataa naftiisa mana qaato talo caqli wanaagsan xumaanta wuxuu u arkaa wanaag, wanaagana wuxuu u arkaa xumaan, xaraan iyo xalaal midna ma kala xeeriyo wuxuu ku adeegsadaa qabiil IWM, 
Wuxuuna isticmaalaa luuqad ka baxsan xudtluda aadamiga 00 xambaarsan wax ay 
Diintu ku sheegto Xamiyatul Jaahiliya oo ay xaaraamtinimaaysay Diinteena suubani. Waxaan odhan karnaa waa xadhkoole, lunsane ay israadinayaan isaga iyo ruuxiisii lahaa damiirka damqada waayo isticmaalka xasadka, xinka, nolol u quudhi waaga waxay bidaa liitinimo cawaaqib dheer leh waxaana dhacda kuna timaada ciddii adeegsada waxyaabahaa aan kor ku soo sheegnay dib u dhac, burbur is nacayb, kala takoorid dhex timaada 'ummada iyo maamulkeeda ay dhisatay una taagan magaceeda. 

Haddaan u noqono shaqsiga iyo garashadiisa adeegsaday sifooyinkaa aan soo sheegnay hadday bulshada ay ku bataan waxaa suuro gal ah inay dhacan arrimahan soo socdaa. 

  1. Barac nolosha dhinac kasta ah. 

  2. Damiirkii iyo dareenkii oo laga tago. 

  3. Fusuqa oo la caadaysto. 

  4. Qabiilka iyo qabyaalada oo dar-darteedii la soo celiyo. 

  5. Garashada iyo garawshiyaha oo la waayo. 

  6. Bulshada oo aan waxba isku hambayn. 

  7. Danihii muwaadinka oo cidhiidhi gala. 

  8. Ficiltan xamaasadaysan oo xaraan ka dhigaya nolosha xorta ah. 

Waxyaabahaa aan soo sheegnay waxaa u sabab ah isticmaalka qabiilka iyo qofkasta oo ku sifooba wax doonid wax aanu lahayn, iskana dhiga wax aanu ahayn huwadana shaadhka qabiilka uu yahay qiiro xumaaneed u adeegsada inta ku hareeraysan ee ay kas wadaagta yihiin. Qofkaasina waa mid is doon-doonaaya 00 ay kala maqan yihiin damiirkiisii iyo dareenkiisii, naftisii iyo ruuxdiisii hadduu gaadho inuu is doon-doono wuxuu noqonayaa xadh-kooley sida xayawaanka jabiyeyna xadkii iyo xuduudii u yaalay caqliga haboon ee Eebbe ku manaystay aadamigiisa. (ilayn xayaawaanku xeer malaha' e) 

Haddaba, haddii aan eegno ummaddeena reer Somaliland iyo wadankeena danta waxaa haboon in nin kastaaba ku aado wixii ku waajib ah inta uu gaadhi karaayo, waana inay garashada wanaagsani kuu hogaamisaa gudashada waajibaadka kaa saaran dalka iyo dadkaba aanad siisaa xaqooda una hurtaa naf iyo maalba una xaq . dhawrtaa mid walba wuxuu kaa mudan yahay maamul iyo shacbiba, keentaana is xilqaam, ixtiraam, iyo sixitaan wixii qalad ah taas 00 keenaysa nolol wadaag, hadal wadaag, dan wadaag, dhib iyo dheef wadaag dhammaan dhinacyada nolosha, haddiise ay noqoto is ceebayn, masabidaad, iska hor keen, kala qayobsato, imba meel ku xidhasho ma suuroobi kartaa in aan ahaano dawlad qaran ah 00 ummadaha aduunka wax la qaybsada (miyaanay noqonaynin inaan ku noqono 91-kii ka hor). 

Yusuf Faarax Cadar (AI-Azhari), Hargeysa

Top


Waxaan Hayaa Billado

Anigoo ah muwaadin C/Raxmaan Xasan Cali (C/Raxmaan Guuto) waxaan maanta halkan ugu soo bandhigayaa taariikh dhan (History) oo ah bilad muhiim oo laba dhinac ah. Waxa ku yaala Emp: Itailia-Ethiopia, dhinaca kalena waxa ku yaala Africa Orientale.

Biladaasi waxay ka turjumaysaa ilaa 1800 dagaaladii dhexmaray Ingiriiska iyo Talyaaniga iyo Ethiopian-ka ilaa 1960-kii ay Somaliland ku qaadatay xornimadii.

Haddaba inagoo aan cadad bixin ayaa calankii geynay Koonfur, Koofurina waxay inoola dhaqantay sidii gumaystayaashii oo way ina liqday, waxaana halkaa ka bilaabmay halgankii SNM-ta oo la hayo cajaladihii laga duubay dagaaladii SNM-ta iyo Faqashta ilaa xoreyntii 1991-kii.

Haddaba waxaan leeyahay reer Somaliland in ay wax ku qaataan biladaasi iyo dagaaladii ka dambeeyay ee oo dhiig badani ku daatay, oo ayaan la fududaysan xornimadan ee waa in la ilaashadaa.

C/Raxmaan Xasan Cali (C/Raxmaan Guuto)
Hargeysa

Top


Hormood ka balaadhan

HORMOOD waa urur aad uga balaadhan mid ay fi’ad yari kula biirto meel HORMOOD ma aha magaca cidi ku maxaafsato.

Cida danaynaysa in ay ka ogaato ururka sida ugu dhibta yari waa in ay raad raacdo guulihii ururku soo hooyay iyo goobihii uu ka soo hooyay.

Inkasta oo aanan jeclayn in layska dul dhawaaqo sidii xisbigii jiri jiray, waxaan leeyahay riyo haddii ay dub leeyihiin dabadooda ayay ku qarin lahaayeen.

Ninka la kufay xilkii ururka shalay, maanta yuu la kufin magacii ururka, waa xor in uu ninkii meel ku biirayaa, balse yuu sheegan awood aanu lahayn.

Ibraahim X. Axmed Il-Dab
Hargeysa

Top


Yaa Maanta Dhibaatada ka Saari Kara Dalka?

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan wariyayaasha iyo qorayaasha Werggeyska Haatuf. 
Ka bacdi waxaan doonayaa walaalyaa in aan ummada reer Somaliland weydiiyo cida maanta dhibaato ka saari karta?

Hadii aan anigu ka jawaabo waa cid miisaankeda leh runtii xisbiyada maanta dalka ka jirana wey ku yaryahiin rag aqoon siyaasadeed leh oo aan u jeedo rag siyaasad ku soo shaqeeyey aragtideydana raga meesha yaacaya waxaa la odhan karaa waxaa ugu culisi waa Siilaanyo ama kulmiye waayo waa xisbi ugu waayo aragsan xaga siyaasadda xisbiyada maanta jira markaasi walaalayaal waxaan idinka codsanyaa hadaad tahiin qorayaasha in aad dadka u iftiimisaan dantooda dadkuna maanta ma garanayaan ninka siyaasiga ah oo waxaabey dhisaan rag ka mid ah jaaliyadaha dibada oon aqoon siyaasadeed laheyn iyo mid dadba waad mahasantahiin

Dahir Xuseen
Omar Awad

Top


Radio Hargaysa ha loo bixiyo Radio UDUB!!!

Waxaan ahay wadani u dhashay Somaliland, waxaa maalin walba Internetka ka dhagaystaa radiyawga Somali BBC, waxaanan Internetka ka akhriya wargaysyada dalka ee xorta ah. Wararka ay qoraan aad ayay uga duwanyihiin wararka uu sheego Radio Hargaysi, warka ay sheegaan waa war miisaaman.

Marka aan dhagaysto Radio Hargaysa waxuu i xusuusiyaa Radio-gii waxtigii Siyad Barre. Waxaan doonayay in aan keeno FM Radio oo uu dadku leeyahay, una tabiya dadka war xor ah oo dhexdhaxaada. Waxaanan iskaga hadhay Radiogani markii ay xukuumadu soo saartay Xeerkii lagu mamnuucayay Radiyaw ayna dawladu xukumin. Waxaanay dawladu doonaysay inay Runta dadku ogaan, ee been iyo borobagaandho dadka laga fatihiyo.

Aad ayaan uga soo horjeeday xeerka lagu mamnuucayay Radiyow dadku leeyahay, waxaanan jeclaa inay ururada mucaaridku ay Radio loo oga'laado. Waxaan ka hadhay arintaa markaan ogaaday inay nabada khalkhal galin karto.

Maantana waxaan arkaa inay Dawladu marin habaabinayso dadka, si ay xukunka u hayso. UCID, KULMIYE iyo UDUB ama Ururka dawladu waxaa ay ahay inay codkooda ka tabinkaraan radyawga ay umadu leedahay.

Waxaan kula talinlahaa inay dadku Hargaysa iyo Somaliland ku nooli ay codsadaan in Radioga Hargaysa ama Radioga Umada loo dhiibo Komishaka doorashada bishan ka hadhay doorashada, hadii la doonayo in la helo doorasho xor ah. Haddii taa la helaynin waa inay dadku ay albaabada u xidhaan Radio Hargaysa Bishan si aanay dadka BEEN ugu sheegin.

Ma jecle in dadku ay mudaharadaan oo ay xidhaan Radio Hargaysa, laakiin haddii ay maamulka maanta jiraa garan la'yahay cadalada waxaa haboon in la sameeyo tani. Haddii kale waxaa qoladani inala gaadhi doonaan inay cunaha ina qabtaan oo ay inoo diidaan xoriyadan aan u soo dagaaalanay.

O. Yousuf, Californai USA

Top


Jawaabtaydu ma ahayn KULMIYE ayaan ku biiray

Aniga oo tixraacaya wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay Salaasadii toddobaadkan waxaan jeclahay inaan wax ka idhaahdo hadal ku qornaa oo lagu weerarayey gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo, taas oo ahayd aflagaado iyo dhaleecayn si toos ah ugu waajahnayd gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubnihii garabka ASAD ee ku biiray xisbiga KULMIYE.
Hadalkaas oo uu yidhi afhayeen u hadlay garabkii ASAD ee ku biiray UDUB, afhayeenkaas oo ah mudane Farxaan oo golaha wakiilada ka tirsan, hadaba aniga oo ka mid ahaa xubnihii sarsare ee ASAD ee ku biiray UDUB, waxaan aad uga xumahay hadalada deel-qaafka ah ee ka soo yeedhay mudane Farxaan ee uu kula kacay madaxda ceeb-kasaliimka ah ee xisbiga KULMIYE, mudanahaas oo ah mudane aanu isku beel ka soo jeedno, waxaan halkan ku cadaynayaa inaanu ka xunahay arintaa, isla markaana aanu ka xaalsiinayno ciddii gef ka tirsatay, iyadoo uu ninkaasi yahay mudanahayaga. Markaa saaxiibkay Farxaan waxaan leeyahay hadii taa sameeyey laynagu lahaana waajibkay baan gutay, hadii kalena aynu isaga nimaadno.

Saleebaan Kaahin Cashuur, Hargeysa.

Top


Wasaaradda Diintu Way Iska

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaaftu way iska dhaga tirtey waxka qabadka anshax xumada iyo akhlaaq darida anigoo ah muwaadin reer s/land waxan halkan ku soo bandhigayaa inay w/ d/iyo awqaaftu iska dhaga tirtey wax ka qabadka anshax xumada iyo akhlaaq darinda ka jirta dalkeena s/land waana mid baahi weyn loo qabo waxaana loo baahan yahay isbedel lagu sameeyo wasaaradda taasoo wax ka bedeli karta anshax xumada iyo dhaqan darada waxana aan leeyahay waa in wax laga bedelaa sida aytahay maanta wasaaraddu waxan aan ku soo ururinayaa hadalkaygan wax ha laga bedelo w/d/ iyo awqaafta dadaakeedana la tuso iyo wax qabad keedaba dadka ku nool s/land 

By: C/Risaaq Xasan Hargeisa

Top


Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga

Mingistu: Weeraradii bariga iyo waqooyiga nalagaga furay ka sokow inkasta oo aan la odhan karin weeraro adag bay ahaayeen, hadana waqtigaa dhibaatooyinku inay sii adkaadaan waxa u sabab ahaa ururka Oromaay oo sheeganayey inuu yahay urur gobanimodoon ah. 

Ururka Oromaay magacyo kala duwan oo uu la baxay, waqtiyo kala duwan iyo goobo kala duwan kaalmo ayuu ururkani kaga helay Somaliya iyo Suudaan, isla markaana cadawyadii shisheeyaha ahaa ayuu la soo saftay, taasina waxay sababtay dhimashada dad badan oo rayid ah, sidoo kale ururada kalena sidaas oo kale ayuun bay ahaayeen, laakiin sheekadan waxaan u soo bandhigayaa si aan u muujiyo suuradda ay lahaayeen ururadaas oo ahaa kuwo beel ahaan ama qabiil ahaan kacdoonkoodu ku salaysnaa, iyaga oo Itoobiya la dagaalamayey. 

Laakiin marka ururadaa lag yimaado waxa iyaguna jiray oo aan ilaa maantadan arintooda la ogayn axsaabtii siyaasiga ahayd ee waqtigaa jirtay oo lahaa mawqifyo siyaasadeed oo kala duwan, taas oo uu urur waliba odhan jiray "Anigu barnaamij siyaasadeedka ugu wanaagsan ayaan Itoobiya u hayaa", ka dibna urur waliba iskii ayuu isu qanciyey, isaga oo leh "Anigu waxaas oo dhan waan dhaamaa oo aniga ayaa ugu sareeya waxa oo dhan", laakiin maadaama u urur kasta oo siyaasadeed iskii isu qanciyey oo oo uu yidhi aniga cidi ima dhaanto waxa halkaa ka soo baxay ama aanu galay colaado siyaasi ah oo aan loo baahnayn, waayo maadaama aanu jirin dhaqdhaqaaqyo bulshada isu ururiya oo mideeya, isla markaana mara wadada saxa ah ee isbedel siyaasadeed ku iman karo, isla markaana aanu jirin maamul adag oo uu dareenkiisu soo jeedo (Feejig) taas ayey markaa ahayd dhibaatada koowaad, sidoo kale khibradda siyaasadeed ayaa iyana liidatay, waxa kale oo iyana la xusi karaa kas-gaabni jirtay iyo kursiga oo loo oommanaa, laakiin marka la isku soo ururiyo waxa jiray faraq dhinaca siyaasadda ah oo sabab u ahaa dhibaatooyinka dhacay, dabadeedna dadkii dareenka wadaninimo jeclaa oo dhami inta ay meel isugu soo wada urureen ayey iyaga oo wada jira qaateen mawqif ah in isbedel yimaado, dalkoodana ay dib u dhisaan, laakiin waxay ilaaween in loo baahnaa in la iska celiyo qolooyinkii isu soo ururay ee ka soo horjeeday kacaanka iyo jiritaanka dalka, ka dibna qolyahaa beretankii dhexdooda ka dhashay wuxuu markii dambe keenay inuu dhiig daato, taasina waxay ahayd astaamihii dagaalka.

Ganat: Marka la eego sida aad arinta u dhigtay dhinac waa la idinka hareereeyey, adigana inuu mawqifkaagu yahay inay Itoobiya mid ahaato waa la gartaym dhinaca Somaliya iyo dhinaca Ereteriya ha ahaatee, taas oo aaddan ogolayn in dalka qaar ka go’, laakiin marka laga yimaado taa laga yimaado waxa dhici karaysay in meelaha qaarkood xal nabadeed lagu dayo, tusaale ahaan dhinaca Ereteriya waxa jiray niman isku deyay in xal nabadeed ay helaan oo arinta xal nabadeed lagu dhameeyo, hase yeeshee waxa la sheegay inaad adigu (Mingistu) mawqifka caynkaas ah inaad is-hortaagtay oo aad ka shaqaysay inaanu suurta gelin, taasi run ma tahay, hadiise aanay sidaa ahayn waa maxay mawqifka aad hindisahaa iska taagtay?

Mingistu: Su’aashaasi waa mid sax ah, arintaasina waa mid aanu maqalo oo ay dad badani ka sheekeeyaan, oo iska dhaaf maanta oo aan qaxooti ahaye ee xataa waxaan sheekadaa maqli jiray aniga oo Adis-ababa jooga oo talinaya, laakiin runtu way ka fog tahay sida la leeyahay ee ah Mingistu ayaa diiday xal nabadeed, balse marka sidaa leeyahay uma jeedo ama ma doonayo inaan idhaahdo aniga iyo dawladdii aan hogaamin jiray inaanu iska dhigno niman aan wax dembi ah lahayn, laakiin waxaan doonayaa inaan xaqiiqda u sheego ummadda Itoobiya, waayo maadaama aan aaminsanahay inaan ahay nin muwaadin ah waxaan ku khasbanahay inaan xaqiiqda sheego. Sidaa darteed arinta Ereteriya inay xasisho waanu doonaynay, isla markaana waanu isku daynay inaanu mushkiladeeda si nabadgelyo ah u furdaamino, balse arinta Ereteriya oo qudha ma ahayne xataa dhinacyada kale waxaanu isku daynay inaanu xal nabadgelyo ku dhamayno, ta kale anagu waxaanu doonaynay inaanu dhibaatooyinkii mudada sannadaha badan ah nala soo dersay ee dhinacyada bulshada iyo dhaqaalaha meesha ka saaro oo aanu wax ka qabano, sidaa darteed wixii karaankayagu ahaa inta isu soo ururinay ayaanu doonaynay inaanu wixii dhibaatooyin ah ka hortagno, laakiin baahidayadu may ahayn inaanu dagaal galno...

La soco cadadka dambe.

Top


Jilba Dhiig Q: 5

Waxa la doonayay in la ogaado gabadha uu jecelyahay ee uu u qulbay, laakiin Biixi ma oga shirqoolka loo dhigay, dabadeedna markii uu qolkii soo galay ayuu judhiiba isha ku dhuftay Albam kala wadhan oo miiska dul-yaal ka dibna wuu la soo booday wuxuuna ku bilaabay fitishaad, marba gabadh, ayaa Xayaad ula ekoonaata oo uu isha la sii raacaa, isma oga meel uu marayo, laakiin saaxiibadii daaqad halkon ayay ugu gabanayaan waxayna ilaalinayaan dhaq-dhaqaaqiisa iyo dareenkiisa.

Xayaad sawirkeedu wuu ku jiraa Albamka Biixi hayo, dabadeedna wuxuu kolba baal rogaba markii dambe ayuu isha ku dhuftay sawirkii Xayaad oo ilka cadaynaya, dabadeedna neef weyn ayaa ka soo booday, mar labaadka dareenkiisii oo dhan ayaa isbedelay, mar saddexaadkiina, isaga oo aan is ogayn ayuu intuu kor u yara dhawaaqay wuxuu yidhi "Alla waa Xayaad", ka dibna intuu sawirkeedii Albamka kala soo baxay ayuu gooni ula baxay, balse intaa kuma joogine intuu albaabkii xidhay ayuu daaqad debedda ah furtay, dabadeedna intuu sawirkii labada dhaban qabsaday ayuu daawasho ku dhaygagay, laakiin inkasta oo uu albaabka hoosta ka xidhay, haddana laba daaqadood oo gudaha ah oo shebeg leh ayaa furan, halkaas ayayna saaxiibadii idhaha ku soo hayaan oo ay kala socdaan xaaladda Biixi, waxaana u soo baxday natiijo wax ku ool ah, taas oo la odhan karo tijaabadoodii way ku guulaysteen.

Biixi wuxuu albamkii ayuu ku dhaygagsan yahay, laakiin dareenkiisu daymada oo qudha kuma eka, ee waxa uu hoos ugu gunuunacayaa ereyo cataw ah oo aan si wanaagsan uga soo baxayn, balse wuxuu sawirkii dhaygag labada dhaban haysto, hoos-na u calaacalo markii dambe ayuu isaga oo aan is ogayn kor ugu dhawaaqay "Qoodhay iyo xeraday waa Xayaad... Xayaad... Xayaad...."

Xayaad iyada oo qoslaysa ayaa la sawirtay, sidaa awgeed sawirka Biixi daawanayaa waa Xayaad oo qoslaysa, dabadeedna wxuuba moodayey Xayaad oo nool oo hor-fadhida, ka dibna isna qosol buu ku dhuftay, Biixi sawirkii intii Albamka kala baxay ayuu wadnaha ku qabtay, ka dibna shandad yar oo ay buugaagtu ugu jirtay ayuu sawirkii gunta u dhigay.

Intaa ka dib saaxiibadii ayaa u soo galay, laakiin iyaga oo yara qos-qoslaya ayey salaan cayaari ku jirto salaameen, waxayna u raaciyeen hadalo kaftan u eg, balse lagu dareensiinayo in arrinkiisa la fahmay, waxaana ka mid ah hadaladii lagu tuur-tuuray "Maxaad sawirka Xayaad ula baxday", cabbaar ayuu su’aashaa jawaabteeda ka aamusay, laakiin aakhirkii markii ay hadalka ku celceliyeen, isla markaana uu isaga laftiisu gartay in la fahmay ayuu si damqasho leh u yidhi "Waan jeclahay" cabbaar ayey iyaguna ka aamuseen.
La soco cadadka dambe.

Garta xeer-beegti Q: 5

Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi "Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya", ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi "Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo", sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.

Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi "Dhaharow maxaynu ka wada hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye", sidaas ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.

Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay, dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii 1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, "Sow tii la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo". Ka dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka baxday oo sidaa ku dhintay, waxaana la yidhi waxa halkaa ku baxay halkudheg la magac baxay "Nin malaggii galay iyo mamaasan (Qabiil) u gal".

Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin. Sidoo kale waxa dhacda xiliga dagaalada in nin colka labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ahi uu dilo nin cadawga ka soo horjeeda ah, laakiin uu nin kale oo warranle ahi uu furkii ninka la dilay gacanta ku dhigo, iyadoo uu furkaasi noqon karo Faras ama qori, ka dibna ay furka ninkii ninka dilay iyo ninkii furka gacanta ku hordhigay isku qaybsadaan. Labadaas nin-na nin wuxuu taagan yahay "Anigaa ninka dilay oo furka ka ritay ama furkiisa dhacsaday maadaama aan dilay, nin-na wuxuu leeyahay anigaa naftayda biimeeyey oo cadawga ka soo qaatay furkan."

Sidoo kale waxa kale oo iyana dhacda in geel la soo dhacay uu nin habeenka hore xeraysto, ka dibna uu ninkii la soo dhacay ka sheegto, laakiin waa tii la yidhi Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye "Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay ama uu xeradiisa soo horgalay", ninkaasna waxa kiciya ama gar xoolahaa kaga qaadi kara ninkii yedlaha ahaa ee xoolahaa lahaa, laakiin meelaha qaarkood waxa xeer u ah in ninka wax dilay ee furka la isku haysto ninkii lahaa dilay la siiyo qaalin la yidhaahdo Shakama-qabad. Ta kale marka laga hadlayo xeerarka dagaalka gaadaha (Dilka dhuumashada ah) mooyaane gulufku (Dagaalka kafool-kafoolka ah) ma laha godob gaar ah, laakiin hadhow marka la heshiiyo ama la is-waraysto ninkii furkii hebel inuu hayo lagu waraysto ama lagu arko, ninkaasi isaga ayaa qaba ama loo raacayaa godobtii ninkii furka lahaa ee la dilay.

Waxa kale oo dhacday ama dhacda inay laba nin oo dagaal wada galay isku mar qori gacanta ku dhigeen, ka dibna way isku qabsadeen, laakiin markii ay indoora kala maroojisanayeen ee ay isku xiiqeen ayaa markii dambe mid qorigiisii uu hore u sitay tuuray, dabadeedna ninkii kale inta uu sii daayey ninkii qorigiisa tuuray ayuu qaatay qorigiisii uu tuuray, isla markaana ninkii qorigiisa tuuray wuxuu qaatay qorigii booliga ahaa ee ay ninka kale isku haysteen. Laakiin maalintii dambe ayuu ninkii qorigiisii tuuray ee uu ninka kale qaatay yidhi "Qorigaygii ayuu ina hebel haystaa markaa xigaal ayeynu nahay oo dhac inagama dhexeeyo’e halayga keeno qorigayga", dabadeedna waa laga siiyey, ninkii qoriga laga qaaday waxa la siiyey samir-siis si aanay xigaalnimadu u dhantaalmin.

Waxa kale oo dhacday inay wada duuleen laba qolo oo fandab leh (Xurguf), ka dibna waxay soo dhaceen geel, dabadeedna geelii ay soo dhaceen ayaa habeenkii meel looga xero-dhigay, iyadoo ay qolo waliba geel gaar ah wadato, waxayna ku kala xereeyeen laba xero oo isku qabsan, laakiin geelu waa oomman yahay, dabadeedna oday xiribta yaqaan (farsamada xoola-dhaqidda) oo labadii col midkood ka mid ah ayaa yidhi " Xeradeenna waxaad ka dhigtaan xagga xigta ceelkii uu geelu ka cabbi jiray, isla markaana oodda labada xero u dhexaysa (Qoqobka labada xero) waxaad ka dhigtaan mid gaabban", dabadeedna sidii bay yeeleen, ka dibna habeenkii ayaa geelii qolada kale tuladii hal-doorka ahayd oo dhami xeradii kale ee xagga ceelka xigtay ee colka kale u dhacday, balse subixii ayaa geeli xerada kale u daatay nin is yidhi dib u celi, laakiin nin colkii kale ah ayaa ninkii is-yidhi geela dib u sooc xabbad ku dhuftay, sidaa ayuuna ku dhintay, dabadeedna...

La soco cadadka dambe.

Top