Casharada Nolosha
Xafladdii midowga Kulmiye iyo
Hormood
Weerar lagu qaado ciraaq
Biyo yaraan laga digay Caalamka
Shinaha oo loo doortay Madaxweyne cusub
Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Saaxil
Khilaafka Xeebaha Waqooyi-Galbeed
Ururka Gaadiidlayda Tawfiiq
C/qaasim Salaad Xasan
Ra’iisal-wasaarihii Serbiya oo la dilay
Dabaylo Ku Kacay
Ciidamada Maraykanka Ee Khaliijka Jooga
Real oo 3-1 ku garaacday AC Milan
|
|
Si aanay nafteenu u gelin diiqad waa inaynu ka fogaanaa wax kasta oo nafteena cidhiidhi gelinaya oo u keenaya walbahaar, isla markaana kicinaya neerfeyaasha. Si haddaba ay taasi inoogu suuro gasho, waa inaynu ku kalsoonaano dabaqada aynu bulshada kaga jiro, xagga nolosha iyo shaqooyinkeenaba.
Haddii aynu doonayno in aynu noolaano, waynu ku khasbanahay shaqooyinkeena, waana inaynu ku faraxsanaano si aynu uga badbaadno werwerka iyo walbahaarka ay keenaan fekerka iyo waxyaabaha aynu ku hamiyayno ee aynaan waxba ka qaban Karin, hase yeeshee waa inaynu samayno dedaal aynu kaga dabaalanayno marka ay inga hor yimaaddaan duruufo caqabad ku noqon kara horumarka nolosheena iyo guusha aynu ku riyoonayno, isla markaana waa inaynu su’aalaha faraha badan ee naheenu ina weydiinayaan u helaa jawaabo macquul ah. Waxa jira qaaciidooyin la raaco oo kuu suurta gelinaya inta badan, inay rumoobaan wax kasta oo aad ku riyoonay, ama intooda badani.
Haddii aad shaqo hayso u kala horreysii sida ay u kala horeeyaan ee ay u kala haboon yihiin, una shaqee sidii ay shaqadu tahay mid aad dooratay oo aad xiisaynayso, haddii aanad xataa dooran. Kala saar waqtiga shaqada iyo waqtiga sheekada, samayso jadwel, haddii aanay shaqadu jedwal lahayn. Hawl maalmeedkaaga ka sokow meel ku qoro guulaha aad doonayso in aad gaadho, waxaad u qaybisaa Bil walba waxaad qabatay iyo waxaad doonaysay inaad ku guulaysatid, ujeeddadii iyo qorshe bileedkii, haddii aad saddex bilood, lix bilood, ama sannad wax qorshaysay, sidaa si leeg dib u eeg waxyaabihii aad doonaysay inaad ku guuleysatay iyo in kale, haddii aanad gaadhin goolashii aad qorshaysay qoro wixii ka qabsoomay, wixii aan ka qabsoomina is weydii sababta, haddii aad ku yeelato eed wax ka bedel, waxa keenay sababta.
Xasuusnow markasta inay noloshu u baahan tahay halgan si aad horumar u gaadho, waana inaanad been iyo riyo naftaada u sheegin, waayo taasi waa mid kaa indha tiraysa xaqiiqooyinka ku hor yaala, hana isku dhibin wixii aad ka dabaalan kari waydo, u ogolow dadka kale horumarka iyo nolosha si aad horumar u gaadhid, iska ilaali waxyaabaha Aadamaha loogu daw galay ee xaasidnimada iwm. Haddii aad ka xumaato horumarka dadka kale, waligaa lagama yaabo in aad horumar gaadhid, waana in aad xusuusnaato in wax kasta Illaahay qaybiyo oo isagu adduunyada xukumo, balse aanay Aadamaha gacanta ugu jirin, taasina waa ta keentay kala duwanaanshaha dhinacyo badan oo dadyowga dunida ku nooli ku kala duwan yihiin ee ay ilaa heerkooda nololeed kala duwan tahay.
Weligaa ha ku mashquulin hebel waxba ma haysan jirin iyo hebel muxuu cunay ama helay, xusuusnow inuu qofkastiba dhashay isagoo qaawan, hase yeeshee iyadoo ay taasi tahay khalad ayay haddana Aadamaha dunida ku nool iyo bulshooyinka kala dhaqanka, diinta iyo dabeecada ahi iskaga mid yihiin waxyaabaha ku badani. Waa sida aanay aadamuhu isugu ogolayn guusha.
Waxa jirta in qof ku hamiyo in uu gaadho heerka nolosha ee uu taagan yahay nin hantiile ahi, hase yeeshee way fiican tahay in uu qofku dedaalo, laakiin waa inaanay ujeeddadoodu noqon in aad ka xun tahay guusha nin kaaas kale.
Qaybo xiise leh lasoco...
Top
Xafladdii
midowga Kulmiye iyo Hormood |
Hargeysa (Haatuf): Xaflad si weyn loo soo abaabulay oo ay ku midoobayeen KULMIYE iyo HORMOOD ayaa shalay subax lagu qabtay hoolka Shirarka ee Hotelka Ming Sing, magaalada Hargeysa.
Xafladdan oo loogu magac-daray "Midowgii Dareenka" waxa kasoo qaybgalay musharixiinta xisbiga KULMIYE ee u sharaxan Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo C/raxmaan Aw Cali Faarax, guddoomiye xigeenka KULMIYE, Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) iyo guddoomiyaha xigeenka labaad ee KULMIYE, Siraad Cali Yuusuf, xog-hayaha guud ee xisbiga Daa’uud Maxamed Geele, mas’uuliyiin kale iyo taageerayaal aad u badan, iyadoo dhinaca HORMOOD ay kasoo qaybgasleen Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi, Maxamed Baaruud Cali, Canab Cumar Ileeye iyo xubno kale oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan HORMOOD iyo taageerayaal aad u badan.
Laakiin intii aanay bilaabmin khudbadihii ay mas’uuliyiintu halkaa ka jeediyeen waxa lagu soo bandhigay gabayo, heeso iyo buraan-bur kala duwan oo loogu dabbaal-degayay munaasibadda midowga KULMIYE iyo HORMOOD.
Hase yeeshee, Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi, oo lagu soo dhoweeyay mikrifoonka ayaa si kooban uga hadlay munaasibaddaa, wuxuuna yidhi, "Waxaan u mahad-celinayaa dadka kasoo qaybgalay xafladdan uu ninkii gabyayay ku sheegay midowgaa dareenka leh."
Mr. Maxamed X. Maxamuud wuxuu sheegay inay hore dadku u maqleen HORMOOD inay hadhay, laakiin wuxuu yidhi may hadhine waa waxaynu sharcigeena iyo waxyaalaha jira uga baranay, anaguna intaa waanu dacwoonaynay, balse waxaanu aragnay inaanay jirin meel loo dacwoodaa, nabadgelyadan waxa looga mahad-naqayaa dadka, anaguna maanta haddaanu nahay HORMOOD iyo KULMIYE oo midoobay, waxaanu ku talogelaynaa sharci inaanu jirin, laakiin waxaan goosan karno haddii sharcigaa la waayo in la goosto, taa macnaheedu maaha waa dagaal, laakiin waxa weeye halganka soo bilaabmay waqtiga dheer wuu soconayaa, laguna quusan maayo, wax maalin dawladdu soo saarto ama sharci la burburiyo.
Mr. Xaashi wuxuu intaa ku daray inaanay maanta ku eegayn dhallinyaradaa dhibtii soo gaadhay, wuxuuna isagoo taa ka hadlaya yidhi; "Dhallinyaradaa shaqada la’ maanta haddaanu KULMIYE nahay ku eegi mayno dhibtii halganka kasoo gaadhay, hadday tahay agoon iyo naafaba, waxaanu jecel nahay inuu xisbiga KULMIYE ururiyo wixii Taariikh ah ee ay Somaliland lahayd, iyo wixii halgan lasoo maray oo meel isugu geeyo oo aanay noqon mid la ilaawo, maanta wadada aynu maraynaana waa mid aynu ku raadinayno midnimo iyo cadaalad ka muuqata Somaliland oo dhan, anaguna haddaanu nahay HORMOOD waxa halkan na keenay mabda’, madu’una waa mid odhanaya dalka iyo dadka waxa laga gaadhsiin karaa nabad iyo cadaalad, haddaanu doonayno inaanu UDUB la midowno awelba way jirtay oo KULMIYE waanu ka horaynay, laakiin waxaanu diidnay inaanu galo oo aanu waxoogayga gurano, balse waxaanu u badheedhaynaa inaanu wadno wixii ugu horreeyay ee aanu ka dhiidhinay, HORMOOD way badnaayeen, ururkii aan ka mid ahaa ee UFO, waxay ahayd wixii aanu ka dhiidhinay cadaalad, inkasta oo aanan arag "Xunyahow xunku dhalay" kalmadii ahayd, laakiin waxyaabihii kale ee Faqash ku dhaqmi jirtay ayaan arkay, waxa maanta inaga maqan waxa ka mid ah calan aynu ku qornay tawxiidka oo aynaan ku dhaqmayn, maanta guushu waxay inoo jirtaa inta dedaalkeenu inoo jiro, waxaanan qabaa inaynu maanta haddii aynu guusha helno in isbeddel badan oo ay ugu horayso cadaaladu aynu kaga dhabayno, mudane Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Aw Cali oo ah musharixiinteena Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeenka iyagana ka yeeli mayno inay maanta wadada la joogo inagu wadaan, waxaynu doonaynaa Madaxweyne dadka la tashada oo isbeddel keena, sidaa waxa yidhi Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi.
Musharaxa Madaxweyne xigeenka ee xisbiga KULMIYE C/raxmaan Aw Cali Faarax, ayaa isna ka hadlay munaasibadaa, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii ururkii ASAD, HORMOODna waxaan kasoo dhowaynayaa KULMIYE, haddii aynu dib u eegno ASAD, HORMOOD iyo KULMIYE waxay ku abtirsanayeen halgankii, waxa keliya ay ku kala maqnaayeen duruufo, layaabna malaha inay meel isugu wada yimaadaan, halka laysugu yimina maaha HORMOOD, KULMIYE iyo ASAD, balse waa meel leh magac qurux badan oo aan iminka maskaxdayda kusoo dhici karin, waana himilada dadkan iyo dalkan in la gaadhsiiyo.
C/raxmaan wuxuu intaa ku daray, haddii ay maskab qaadanayaan inaanu Maxamed Cumar-xaashi mutaysteen xadhig dheer, aniga iyo ragga aan ka mid ahayna duurka maanu galneen, umana soo socono inaanu umadda waxeeda jeebaka ku shubano, laakiin waxaanu u soo soconaa inaanu samayno maamul kan maanta jira ka duwan, umaduna waxay u baahan tahay in loogu qalin-qabto maamul ka duwan kii ay nafteeda iyo maalkeeda ku weyday oo aan xasuuq lahayn oo xoriyatul-qawlkii leh.
C/raxmaan Aw Cali, wuxuu ka hadlay dhinaca Boorama iyo safarka Madaxweynaha, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, "Waxaan u malaynayaa waa la riyoonayaaye, waxa la yeeli waayay, wixii aad ogaydeen, shalay madaxweynihii mudane Rayaale wuxuu yimi Boorama, wuxuu lahaa aqal naanays leh oo Boorama ku yaal, anigu aqal ma lihiye gurigaa kiisa kasoo horjeeda waxaan u kiraynay KULMIYE oo calankii laga taagay, madaxweynuhu markuu arkay meeshii, wuxuu u yeedhay ninkii guriga lahaa oo uu madaxweynuhu ku yidhi; "Maxaad uga kiraysay", anigu u malayn maayo in la yeelayo gurigaaga maxaad uga kiraysay oo laga diiday Faqash oo kaarayaal wadata.
C/raxmaan wuxuu sheegay inaanu isagu lahayn guri iyo hanti kale toona, isagoo yidhi, "Maalinta la yidhi musharixiinta diiwaangeliya hantidooda waxaan idhi, "Waxaan haystaa lix caruur ah, hooyadood iyo Somaliland. Maantana uma socdo inaan guri iyo hanti ka urursado."
Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa HORMOOD ayaa hadalo kooban munaasibadaa ka jeediyay wuxuuna yidhi; "Dadka kulankan joogaa waa dadkii halganka, anagu markii axsaabta la samaystay waxaanu samaysanay HORMOOD, oo waxaanu jeclayn inaanu hoggaanka dalka u qabano, balse waatii nala yidhi waad hadheen, laakiin markaanu eegnay duruuftii axsaabta waxaanu xataa is-weydiinay, halgankii xaguu ka urayaa, weliba aniga waxa ii dheeraa reeraagii xaguu maray, markaa maanta KULMIYE iyo HORMOOD ayuu ka urayaa halganku, una malayn maayo inay ina qasbayaan Axmed iyo C/raxmaan, waxa kaloo aan idiin sheegayaa HORMOOD iyo ASAD way soo dhammaadeen oo KULMIYE ayay ku jirtaa guushu ee dadka u sheega."
Guddoomiye xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Siraad Cali Yuusuf oo iyaduna ka hadashay munaasibaddaa ayaa sheegtay in la wada ogyahay inuu yahay xisbiga KULMIYE mid soo halgamay, isla markaana haday jireen rag yidhi; "Guushu waxay nooga uraysay KULMIYE ana waxaan leeyahay haddaanu KULMIYE nahay, taageerada iyo goolka dhallintiisu waxay nooga uraysaa HORMOOD." Waxayna sheegtay inay saxan-saxo uga soo uraysay xaga HORMOOD, ururka SAHAN, isagana saxan-saxo ayaa nooga uraysa oo waxa noo socda wadahadal iyagana waxaanu leenahay soo dhowaada, guushuna waxay ku jirtaa in garbaha lays qabsado, HORMOOD-na qaali ayay nagu ahayd, afartan sanadood ayaynu dhibaato ku jiray, laakiin maanta waad ogtihiin maamulkeena iyo cidda Xukunka haysata waad ogtihiin.
Marwo Siraad waxay intaa ku dartay inay tacsi u dirayso eheladii iyo dadkii ay ka geeriyoodeen askartii dhimatay, hase yeeshee waxay arrintaa ku tilmaantay mid laga xanuunsado, laakiin ay keentay nidaam xumo, waxyana sheegtay in aan loo baahnayn guura-bahalaynta ee haddii uu Madaxweynuhu meel tegayo ay habboonayd in loo gogol-xaadho oo loo diyaar-garoobo.
Marwo Canab Cumar Ileeye, oo ahayd mas’uuliyiinta sare ee HORMOOD ayaa iyaduna ka hadashay munaasibaddaa, waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay midowga iyo munaasibadda, isla markaana loo baahan yahay sidii guusha loo hanan lahaa, intaa kadib guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo oo ah musharax ee jagada madaxweynaha xisbiga KULMIYE ayaa soo gunaanaday xafladdaa, wuxuuna sheegay inuu khudbadiisa u dhigan doono fagaaraha Khayriyada oo uu kala hadli doono dadka saaka, iyadoo uu bilaabmayo ololihii siyaasadeed.
Axmed Siilaanyo wuxuu yidhi, "Waxay ii tahay farxad aad u weyn oo qiimo iyo qaayaba leh, xafladdii lagu midaynayay ururkii HORMOOD xubnahooda, taageerayaashoodii iyo dadweynahooda waa mid qiimo weyn leh oo muujinaysa sida aynu doonayno inaynu isugu keeno, ururka HORMOOD wuxuu ahaa ururadii ugu horreeyay ee dalka laga abuuro, waxaana noo socday doorashooyinkii dawladaha hoose kahor wadahadal, laakiin waqtigii ayaa nagu simi waayay ee ma jirin waxaanu isku diidanayn oo aragti iyo mabaadi’I, laakiin maanta ayay timi fursadii midowga oo aynu ku midownay waana al-xamdulilaahi rabil-caalamiin, waxaana muuqda ifa-faale aad u weyn iyo dareen muujinaya sida ururada iyo umaddu isugu soo hilowday.
Axmed Siilaanyo wuxuu intaa ku daray oo u sheegay taageerayaasha KULMIYE iyo HORMOOD in uu wada-hadal u socdo ururkii SAHAN oo uu yidhi waxa noo socda wada-hadal aad u rajo-weynahay, isagoo yidhi; waxaan filaynaa in ururkii walaalaheen ahaa ee SAHAN inaynu xaflad taas oo kale ah isugu nimaadno ayaan Ilaahay ka rajaynayaa, taasuna ay caddayso inay umaddu meel wada marto."
Axmed Siilaanyo wuxuu intaa raaciyay inuu isagu wixii ku xidhan ka ballan-qaadayo inuu xisbiga KULMIYE noqdo, kii isu keeni lahaa umadda oo ku fadhiya dimuqraadiyad, cadaalad, wada-tashi oo ay keli-talisnimadu tahay tii laga dagaalamay ee uu ka dagaalamay.
Axmed Siilaanyo wuxuu intaa ku daray inay jirto waxyaabo ka xaaraana xiliga doorashada oo aan dunida sharcigu jiro waxba la magacaabin, waxna la kala beddelin, laakiin awelba kamaynu filayn cadaalad ayuu yidhi.
Markii ay xafladdu dhammaatay kadib waxay gaadiidku kusoo wareegeen wadooyinka waaweyn ee magaalada, iyadoo ay ka babanayeen calanka astaamaha xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale, xubno ay ka mid yihiin Axmed Sandoon iyo Xasan Xaydh, ayaa sheegay inaanay ku biirayn KULMIYE, iyagoo sheegay inay jireen wadahadallo u socday UDUB, UCID iyo KULMIYE, laakiin ay ku deg-degeen ku biirista KULMIYE.
Xubnahani waxa ay intaa ku dareen inay ka fiirsan doonaan meesha ay ku biirayaan, laakiin aanay iyagu ku biirayn KULMIYE.
Xubnahaasi oo shalay iyaguna shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa waxa ay sheegeen in mawqifkan uu ku raacsan yahay guddoomiye ku xigeenka ururka HORMOOD oo haatan ku sugan magaalada Boorama, kaasoo khadka telefoonka ku xaqiijiyay mawqifkiisa. Waxaanay ku eedeeyeen xubnaha ku biiray KULMIYE inay ku deg-degeen mawqifka ay qaateen, iyagoo sheegay inay haatan wadahadallo u socdaan xisbiyada UCID, iyo UDUB, halka uu go’aanku noqdana waxa ay sheegeen inay dib kasoo sheegi doonaan.
"Ururka HORMOOD wuu ka weyn yahay wax ay qof iyo laba jeebada ku qaadan karaan.:" ayay kusoo gebogebeeyeen hadalkooda.
Top
London (W.Wararka) - Waxa soo baxaya digniino ku saabsan sida uu haatan suurtogalka u yahay weerar lagu qaado Ciraaq, iyadoo la sheegay in xal diblomaasiyadeed oo arrintaa lagu dhammeeyaa ay haatan sii rajo-beelayso, waxaanay tani soo baxday iyadoo lagu wado in dhowaan ay caasimadda Boortaqiiska shir ku yeeshaan Madaxda dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Spain, iyagoo ka wada-hadli doona waxa laga yeelayo dalka Ciraaq.
Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ingiriisku, weerar lagu qaado Ciraaq haatan waxa uu noqday mid ka suurtogalsan waqtiyadii hore, laakiin weli go’aan rasmi ah arrintaa lagama gaadhin, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay wasiirku in Madaxweyne Sadaam Xuseen ay hortaalo waqti uu ku fulin karo qaraarada Q. Midoobay, gaar ahaana siduu u burburin lahaa hubkiisa halista ah, laakiin waqtigaasi waa mid kooban ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu intaa ku daray inaanay weli cadayn goorta qaraar dambe laga qaadanayo xaaladda Ciraaq, isagoo tilmaamay in mawduucaasi uu weli yahay mid dhexyaala xubnaha golaha ammaanka Q. Midoobay.
Waxay tani kusoo beegantay iyadoo Ciraaq weli wada burburinta hubkeeda halista ah, gaar ahaana gantaalaha loo yaqaan Al-samuud, iyadoo ay weli socoto weerarada ay Diyaaradaha Ingiriiska iyo Maraykanku ku hayaan dalka Ciraaq.
Top
Biyo yaraan
laga digay Caalamka |
Tokyo (W.Wararka) - Mas’uul sare oo ka tirsan golaha caalamiga ah ee biyaha ayaa ka digay in dadweynaha caalamku ay dhibaato kasoo gaadhi doonto dhinaca biyo-yaraanta marka la gaadho sannadka 2025-ka, marka la eego sida xad-dhaafka ah ee biyaha loo isticmaalayo waqtigan la joog, isagoo ugu baaqay dawladaha in ay arrintaasi wax ka qabashadeeda si deg-deg ah wax uga qabtaan, iyagoo ahmiyadda siinaya kobcinta iyo maal-gashiga biyaha.
Mas’uulkan oo ah ku xigeenka guddoomiyaha golahaas William Kosgaroof oo kula hadlayay suxufiyiinta caasimadda Japan ee Tokyo waxa uu intaa ku daray in 30% dadweynaha adduunku ay biyo yaraani hayso, haddii xaaladda isticmaalka biyuhu ay sida haatan ku sii socotana ay mushkiladda biyo yaraantu gaadhi doonto 50% dadweynaha Caalamka marka la gaadho sannadka 2025. arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
"Ilaa 2 malyuun oo caruur ah ayaa sannad kasta u dhinta mashaakilka biyaha iyo dhibaatooyinka la xidhiidha sida webiyada, ceelasha iyo berkedaha aan sida aan haboonayn u dhisan, taas oo sii ballaadhanaysa haddii aan deg-deg wax looga qaban," ayuu yidhi mas’uulku.
Golaha biyaha caalamiga ah oo kaalmo ka helaya Dawladda Japan ayaa qaban-qaabiyay aqoon-isweydaarsi socon doona 16-23-ka March oo ay ka qaybgeli doonaan dad ku dhow 10,000 qof oo ay ka mid yihiin ilaa 150 wasiir iyo tiro badan oo madax ah oo ka socota Caalamka, kaas oo lagaga hadli doono mushkiladda biyo-yaraanta.
Top
Shinaha oo loo doortay Madaxweyne cusub |
Beijing (W.Wararka) - Golaha shacbiga ee dalka Shiinaha oo ah Baarlamaanka dalkaasi ayaa si rasmi ah maalintii shalay ugu doortay Madaxweyne hoggaamiyihii xisbiga Shuuciga Huw Jiin Taw, taas oo ah isbeddel Taariikhi ah oo ku yimid dalka Shiinaha, iyadoo talada lagu wareejinayo da’ yarta, isagoo beddelay madaxweynihii hore Jian Samiin.
Madaxweynaha cusubi waxa uu helay aqlabiyad dhan 2937 cod, iyadoo ay afar keliyi diideen, Saddex kalena ay ka aamuseen doorashadiisa.
Madaxweynaha cusub oo da’diisu tahay 60-jir, waxa uu beddelayaa hoggaamiyihii hore oo da’diisu gaadhay 76 sano, balse waxa uu sii ahaan doonaa guddoomiyaha Guddiga Militeriga dalkaasi.
Isbeddelkan waxay ku tilmaameen dadka siyaasada u kuur-galaa mid taariikhi ah tan iyo markii uu dhacay kacaankii Shiinuhu 1949-kii.
Top
Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Saaxil |
Berbera (Haatuf): Waxa maalintii shalay xilka guddoomiyenimada gobolka Saaxil si rasmi ah ula wareegay Maxamed C/laahi Maxamed oo dhowaan loo magacaabay jagadaasi isagoo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hargeysa, waxaanu xilka kala wareegay Maxamed Axmed Xasan (Talaata-codle) oo isagu jagadaa hayay.
Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta gobolka Saaxil, waxa ka qaybgalay mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo-ba iyo marti-sharaf kale oo badan sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan X. Daahir (Casaan), waxaana halkaa laga jeediyay khudbado kala duwan.
Guddoomiyihii hore oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay muddadii uu xilka hayay iyo waxyaabihii soo maray gobolka Saaxil, isagoo guddoomiyaha cusubna u rajeeyay guul.
Guddoomiyaha cusub oo isna halkaa hadlay ayaa u mahad-celiyay Madaxda gobolka siday ugu soo dhoweeyeen jagadaasi, isagoo intaa ku daray inuu dedaal weyn u geli doono sii horumarinta arrimaha gobolka.
Top
Khilaafka Xeebaha Waqooyi-Galbeed |
Hargeysa (Haatuf): Axmed Cali Geedi oo ah khabiir ku xeel-dheer arrimaha deegaanka iyo Juqraafiga, isla markaana aqoon u leh xeebaha Waqooyi-galbeed ee kulaalaya Badda Cas, ayaa ka hadlay khilaaf in badan soo noq-noqonayay oo ku saabsan jiidahaa, balse sii xoogaystay muddooyinkan dambe iyo waqtigii doorashooyinka degaaanad oo khilaafka ku saabsan arrintaas iyo murankeeduba isa-soo tarayay, iyadoo la rumaysan yahay inay tahay arrinta salka u ah socdaalka Madaxweyne Rayaale sida kediska ah ugu baxay jiidahaas subaxnimadii hore ee 11-kii bishan.
Axmed Cali Geedi, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, "Waxa maalmahan soo baxayay dad si khaldan uga warramaya deegaanka xeebaha Lug-haya ee waqooyiga Hargeysa, kuwaas oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha Lug-haya oo erayada uu adeegsaday ay ka mid ahaayeen [wasiirkii arrimaha gudaha ayaa nagu haysta xilkii umaddu noo igmatay]. Waxaan u malaynayaa dadku inay xaq u leeyihiin inay ku hadlaan jaraa’idka, laakiin meeshan jiidaha xeebaha galbeed marka laga hadlayo. Waxa jiray mushkilado muddo dheer soo jiray, tusaale ahaan waxa jirtay mar jiida xeebta oo dhan wixii Ceel-sheekh galbeed ka xiga ay Saylac xukumi jirtay, 1924-kii, balse marka laga yimaado 1960 ama 1969-kii, Lug-haya waxay ahayd (sub-district), ama degmo hoosaad ka tirsan degmada Gebilay, isla markaana Gebilay waxay ka tirsanayd gobolkii Hargeysa ee waqooyi-galbeed, markaa Lug-haya iyo xuduudeeda cidii doontaa ha ku noolaatee waa gobolka Hargeysa." Sidaa waxa yidhi Axmed Cali oo ka hadlaya deegaanka xeebaha Lug-haya iyo Saylac.
Axmed Cali oo la weydiiyay xilligii Lug-haya lagu daray Boorama wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi; "Waxa jiray guur-guur xagga dadka ahama waxa la yidhaahdaa (Democratic Change) ayaa ka dhacayay, inta badana marka aad eegto heshiis dhaqameedyada meesha yaala ee soo jireenka ah, sida heshiiska nabadda ee la yidhaahdo "Hurda" oo dhexmaray beesha Ciise ee reer Cawil iyo reerka Sacad Muuse ee Isaaq, tusaale ahaan 1814-kii waxay ahayd xilligii u dambaysay ee dagaal weyn oo labada beelood dhexmara, waxaana yaala xeer-dhaqameedyo haddii dib loo eego habkii caaqilada iyo degaamada, laakiin intaa degaamadu way is-beddelayeen oo waxaad moodaysay in beesha Sacad-muuse ee meesha taalay xagga oogada u soo baxaysay, beesha Ciisena dhinaca Djibouti ee xeebta u socdeen oo ay eeganayeen Dawladda Ciise iyo gobonimada ay qaateen si ay ugu dhowaadaan, balse waxa iyana meehsa soo dhexgalay beesha Guda-buursi ee Maxamed Case, waxayna dawladdii Faqashtu wixii toddobaataneeyadii ka dambeeyay ka sameeyeen gobol la yidhaahdo Baki oo la sheegay inuu xukumayo Boorama, arrintaasuna waxay ahayd arrin siyaasadeed oo aad looga shaqeeyay, oo ay doonaysay inay dawladdii Faqashtu isku-dirto beesha Isaaqa iyo Guda-buursiga, waxaana arrintaa u horaysay beer la yidhaahdo Barwaaqo oo ku taal meesha magaceeda la yidhaahdo "Tuurka" ee daanta bari ee dooxa Qabri Baxar, oo uu ninkii xaga beeraha caanka ku ahaa Alla haw naxariistee Sheekh Muxumed Raage oo halkaa beer ka sameeyay, laakiin dawladii Faqashta oo ka faa’iidaysanaysa siyaasada ay isku dirayso beelahaa ayaa Muuse Rabiile ninkii la odhan jiray uu beer ka sameeyay meel halkaa kasoo horjeeda, laakiin anigu ka hadli maayo yaa meesha leh, dhulkana waa la wada leeyahay, beel keligeed meel camiri kartaana mar jirto, dhulkuna in la wada degenaado ayuu ku qurux badan yahay, balse waxaad moodaa siyaasadii dawladdii Maxamed Siyaad Barre inay taagan tahay oo shaqaynayso, taasuna ay abuurtay mushkilada soo xoogaysanaysa.
Markii dalka lasoo galay Ciidankii SNM ee 99aad ayaa qabsaday, waxaana lagaga soo saaray heshiiski beelaha, sidii ayayna saddexda beelood u wada deggan yihiin, balse waxaad moodaa in arrinta xagga Siyaasadda looga faa’iidaysanyo.
Mr. Axmed Cali wuxuu sheegay inay meeshu tahay meel istiraatiiji ah oo ku wanaagsan beeraha iyo kalluumaysiga oo ay ka bixi karto timirtu, laakiin aan wax-qabadka ay dadku u baahan yihiin iyo ka faa’iidaysiga dhulka loola tegayn ee in la qayb-qayiyo loola tegayo, balse dadka waxa u qurux badan inay dantooda eegaan, ayuu yidhi, wuxuuna isagoo ka jawaabaya inay arrinta Madaxweynuhu u tegay taas tahay iyo inkale, yidhi, "anigu Madaxweynaha lama socon, laakiin waxa Madaxweynaha laga rabaa inuu ilaaliyo distoorka uu ku yimi iyo xuduudihii degaanada."
Mar la weydiiyay Axmed xilliga ay Baki ahayd gobolka iyo markii lagala noqday, wuxuu yidhi; "Waxay ahayd toddobaataneeyadii markii laga dhigay, waxayna ahayd arrin laga leeyahay ujeedo siyaasadeed oo ballaadhan, oo la doonayay in laysku diro beelaha Sacad-muuse iyo Gudabuursi, waxaan xusuustaa dooxa Biji oo lagu tilmaamo inay ku jiraan biyaha ugu badan ee dhulka hoostiisa ee kaydka Somaliland oo laga samaynayay mashaariic, waxaana laga qoday 8 ceel oo uu qoday nin Cambaleesh la odhan jiray Ilaahay haw naxariistee, oo kasoo jeeday beesha Gudabuursi.
Dagaalkii u horreeyay meesha Geed iyo Nacas la yidhaahdo ayuu ka dhacay, markaa Baki waa laga guuray oo waxay noqotay Awdal, waana arrin xuduud iyo Juqraafi isugu jirta oo ah mid xallinteedu u taalo Qaranka oo siyaasadeed, waana loo baaahan yahay xalkeeda dadka wadanka iyo degaankuna nabada way u baahn yihiin, waxaana dan u ah ciddii shaqo siinaysa ee maal-gashanaysa, laakiin rag Hargeysa iyo Boorama fadhiya oo boolatiig ku ciyaarayaa dadka dantooda ma wadaan, waxaanan filayaa booqashadaa Madaxweynaha oo dadka iyo odayaasha jiidu diyaar u ahaayeen inay arrintaa xal kama-dambays ah u keento oo uu xalkaasu noqdo kii sharciga ahaa ee distoorku oggolaanayay, dadkuna meesha way wada leeyihiin oo cid odhan karta meesha reer hebel ayaa degi jiray ma jirto oo nina lagama rari karo.
Axmed Cali Geedi oo la weydiiyay sida uu u arko mushkiladda dhowaan jiidaan ka dhacday ee doorashooyinkii golayaasha deegaanka, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi; "Lug-haya waxay dhigatay ceel la helay, Daara-Salaamna waxay dhigatay sanaaduuqdii Cabdi Geedi, taasuna waxay keentay in laysku qabsado sanaaduuqdii, arrintaasna waxa eedeeda lahaa komishanka Qaranka ee doorashooyinka oo ka gabanayay oo aan qeexin xuduudaha deegaanka, iyadoo badhasaabka iyo Wasiirka arrimaha guduhu ay ka gaabiyeen, fowdadiina weli way taagan tahay, mana aha in dadka laysku canda-dawlo, waqtigana waxaan qabaa inay tii mid ka xumi ka dhacayso, waa arrin u taal wasiirka arrimaha gudaha, badhasaabka waqooyi galbeed iyo komishanka Doorashooyinka oo aan weli ka hadlin, waxayna arrintu u baahan tahay xal siyaasi ah oo waafaqsan xuduudaha iyo sharciga.
Top
Ururka Gaadiidlayda Tawfiiq |
Hargeysa (Haatuf): Ururka Gaadiidlayda ee Tawfiiq ayaa shirweyne laba maalmood uga socday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ku doortay guddi fulineed oo ka kooban shan xubnood, shirkan oo ay kasoo qaybgaleen 36 ergay oo ka kala yimi gobollada dalka Somaliland, isla markaana ka wakiil ah 622 xubnood, kuwaasoo ah gaadiidlayda hantiilayaasha ah ee ka diiwaangashan ururka Tawfiiq.
Sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ururka Tawfiiq Maxamuud Muuse Dalab oo aanu ka helnay weriyahayaga Berbera, C/raxmaan X. Daahir (Casaan), waxa shirkaa lagu doortay guddi fulineed oo ka kooban 5 xubnood, waxayna xubnahaasi kala yihiin;
-
Maxamed Muuse Xirsi, Guddoomiyaha Guddida,
-
Maxamed Aar, Guddoomiye Xigeen,
-
Cabdalle C/Laahi, Xog-Haye
-
Cali Muuse Xuseen (Caliyoow), Xisaabiye
-
Iyo Muuse X. Xuseen Yuusuf (Shine), Khasnaji
Waxayna guddida ururka gaadiidlayda ee Tawfiiq la wareegeen xilkii ay hayeen maamulkii hore iyo wixii ay hanti iyo qalab hayeen.
Ururka gaadiidlayda ee Tawfiiq waxay qoraalkooda ku sheegeen inuu shirkan oo socday 8-9 March, 2003, uu yahay kii afraad ee ay qabtaan ururku.
Top
Nayrobi (Haatuf): Burbur iyo kala-qaybsanaan xoog leh ayaa si lama filaan ah u soo fod-saartay xukuumadda C/qaasim Salaad Xasan oo loo yaqaano kooxda Carta, taas oo keentay inay u kala qayb-qaybsamaan dhawr kooxood.
Arrintani waxa ay ka dhalatay kadib markii uu khilaaf ku dhex yimid waftigii ballaadhnaa ee kooxdaasi uga qaybgalayay shirka Nayroobi, kadib markii uu C/qaasim amar ku siiyay weftiga inay ka baxaan shirka oo ay Muqdisho ku noqdaan, taas oo keentay in koox ay tiradoodu dhan tahay 21 xubnood oo uu horkacayo Wasiirka Ganacsiga ee kooxdaasi, C/raxmaan Diinaari inay Gaashaanka ku dhuftaan amarka C/qaasim ee ah inay shirka ka baxaan.
C/qaasim Salaad ayaa amarkaa ku celiyay markale maalintii Salaasadii, isagoo booqasho ku jooga dalka Liibiya, waxaanu ku amray weftiga markale inay ku noqdaan Muqdisho, balse xubnaha weftiga ayaa u kala baxay laba qaybood oo kala ah: qaar taageersan amarka C/qaasim oo shirka ka qaybgalkiisa qaadacay iyo qaar diidan oo sii wata ka qaybgalka shirka.
C/raxmaan Diinaari oo hoggaaminaya qaybta diidan amarka C/qaasim ayaa u sheegay saxaafadda inay diidan yihiin shuruudaha uu C/qaasim ku xidhay dib ugu noqoshada shirka, shuruudahaana waxa ugu muhiimsan isagoo C/qaasim dalbaday in Itoobiya laga saaro Guddiga farsamo ee shirka oo ay ku wada-jiraan dalalka Itoobiya, Djibouti iyo Kenya, iyo isagoo dalbbaday inay daruuri tahay Somaliland oo shirka kasoo qaybgashaa.
Sida la wada ogsoon yahay, Dawladda Somaliland ayaa marar badan ku cel-celisay inaanay ka qaybgalayn shirkaa oo aanu khusayn sidii aanay horeba uga qaybgelin shirkii kan ka horreeyay, isagoo daba socda codsiga C/qaasim ee ah inay shirka Somaliland ka qaybgasho ayuu C/raxmaan Diinaari ku tilmaamay shardigaasi inuu yahay mid carqalad gelinta shirka looga jeedo.
Kala-qaybsanaantan ku timid kooxda Carta waxay kusoo beegantay iyadoo ay toddobaadkan soo baxayeen warar sheegaya inuu C/qaasim damacsan yahay sidii uu qaban-qaabin lahaa shir ka dhan ah ka Nayroobi, isagoo arrintaa dhiiri-gelin dhaqaale uga helay dalal Carab ah.
Dhinaca kale, safaaradda Ingiriiska ee Nayroobi ayaa uga digtay dadka dalkeeda u dhashay ee ku sugan Puntland weeraro ay la kulmi karaan, iyadoo uu soo dhowaaday weerarka laga yaabo inuu Maraykanku ku qaado Ciraaq, iyo in laga yaabo inay weerarada ku qaadaan ururka Al-Qaacida iyo Al-Itixaad oo la sheegay inay xulafo yihiin.
Top
Ra’iisal-wasaarihii Serbiya oo la dilay |
Belgrade (W.Wararka) - Ra’iisal-wasaarihii dalka Serbiya, Melorat Lokavic ayaa maalintii dorroaad lagu dilay caasimadda dalkaasi ee Belgrade, iyadoo ilaa iyo haatan aan la garanayn sababta keentay dilka Ra’iisal-wasaaraha. Balse waxa la sheegay inuu u dhintay rasaas lagaga soo furay dibedda xafiiskiisa, isagoo markii dambe ku geeriyooday cusbitaalka maalintii dorraad.
Af-hayeen u hadlay Dawladda Serbiya ayaa sheegay in taliye ka tirsan ciidamada Booliska loo qabtay dilka Ra’iisal-wasaaraha, isla markaana uu socdo baahditaanka arrintaas la xidhiidhaa.
Ra’iisal-wasaaraha oo ahaa 50-jir, isla markaana door weyn kasoo ciyaaray halgankii lagu riday madaxweynihii hore ee dalkaasi Slobadan Milosovic, waxa loo malaynayaa in dilkiisu uu ka dhashay ololaha ay wadaan taageerayaashii Millosovic oo diidan maxkamadda la saaray Millosovic.
Top
Dabaylo Ku
Kacay Ciidamada Maraykanka Ee Khaliijka Jooga |
Kuwait (W.Wararka) - Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Khaliijka ayaa la sheegay inay ku kaceen dabaylo iyo duufaano xoog leh oo gilgilay saldhigyada uu Maraykanku ku leeyahay gobolkaasi.
Sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa, dabaylahan oo wata boodh iyo ciid farabadan waxay sababeen inay caddilaan socodka ciidamada Maraykanka, isla markaana ay waxyeelo weyn gaadhsiiyaan qalabka miletari ee ay isticmaalaan ciidamadaasi, taas oo sababtay inay xayirmaan dhammaan dhaqdhaqaaqyadii iyo isu-socodkii ciidamada.
Dabaylahani waxa la sheegay inay ka kaceen dhammaan saldhigyada ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalalka Qatar, Bahrain, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Kuwait.
Ciidamada Maraykanka ka jooga Khaliijka oo lagu qiyaasay inay dhan yihiin 250 oo askari waxa ay ugu jiraan diyaar-garow weerarka uu Maraykanku la damacsan yahay Ciraaq, dabaylahana waxa lagu tilmaamay kuwo waxyeello weyn ku ah joogitaanka ciidamadaas ee Khaliijka.
Top
Real oo 3-1 ku garaacday AC Milan |
Marka laga reebo Champion League-ga sannadkan waxay hore u soo wada ciyaareen sagaal ciyaarood oo koobka horyaalka Yurub ah, waxaanay qolo walbaaba badisay 4 ciyaarood, sagaalna barbardhac ayay noqdeen.
Haddaba iyadoo sidaasi loo siman yahay ayaa koobkii sannadkan 26/11/2002 lagu wada ciyaaray wareegii 2aad AC Milan garoonkeeda, oo Real Madrid lagaga soo badiyay 1-0, sidaana AC Milan ayaa hal guul ku dheeraatay R. Madrid.
Real Madrid ayaa xooga saartay inay jebiso in ka saraynta guulaha ee midka la dheer yahay iyo inaanay sannadkan Champion-ka ka hadhin, iyadoo cabsi badan ka qabtay badinta Dortumond oo ay hal dhibic ka saraysay, taas oo khasaare weyn ku noqon lahayd naadiga horyaalka Yurub ah, iyadoo lahayd 5 dhibcood, halka AC Milan kaga soo baxday 12 dhibcood, Dortumond-na ay lahayd 4 dhibcood.
Haddaba ciyaartan dhacday habeenkii Khamiistu soo gelaysay oo lagu kala adkaaday 3-1 ay Real Madrid ku guulaysatay gurigeeda (Bernabeu), ayaa waxaa la odhan karaa AC Milan oo iyadu hore u soo baxday, haddana haddii ay ku dagaalami lahayd sumcad ahaan ciyaartan waxaa si toosa uga badiyay tabobaraha oo halbawlayaashii difaaca iyo dhexda uga ciyaarayay AC Milan aan ku bilaabin ciyaarta, soona geliyay qaybtii dambe ee ciyaarta, sida Ruicaosta iyo Alessanderro Nesta.
Sida ay u kala badiyeen iyo waqtiga ay kala badiyeen kooxuha waa sidan:
ALL THE REAL MADRID - MILAN EUROPEAN CUP:
-
(04-05-1956) Semifinals (first leg) Real Madrid, 4 - Milan, 2.
-
(01-05-1956) Semifinals (second leg) Milan, 2 - Real Madrid 1.
-
(28-05-1958) Final (Brussels) Real Madrid, 3 - Milan, 2.
-
(29-01-1964) Quarterfinals (first leg) Real Madrid, 4 - Milan, 1.
-
(13-02-1964) Quarterfinals (Second leg) Milan, 2 - Real Madrid, O.
-
(05-04-1989) Semifinals (first leg) Real Madrid, 1 - Milan, 1.
-
(19-04-1989) Semifinals (second leg) Milan, 5 - Real Madrid, O.
-
(18-10-1989) Last sixteen (first leg) Milan, 2 - Real Madrid, O.
-
(01-11-1989) Last sixteen (second leg) Real Madrid, 1- Milan, O.
-
(26-11-2002) Champions League Stage 2 (first leg) Milan, 1 - Real Madrid. O
Top
|