Maxaa Laga Ogyahay Xaaladda Werwerka Leh Ee Xeebta Galbeedka Somaliland
Ma Laga Yaabbaa Ciidamada Maraykanka Ee Jooga Djibouti In Ay Qabsadaan Xeebaha Galbeedka Somaliland?
Hodan Geerideedii.
Masuuliyiin Ka Tirsan SAHAN Oo La
Midoobay Xisbiga UDUB
Baaq Taageero
Golihii Deegaanka ee Hargeysa Ka Shaqaysan Kari La’yihiin oo Fara gelin- ku haya wasiirka arrimaha gudaha.
Jilbo-Dhiig
Talooyin Ku Socda Golaha Deegaanka Hargeysa
Dugsiga Sare ee Gacan Libaax Miyaanu U Diiwaan gashaneyn wasaarada waxbarshada jamhuuriyada Somaliland :-
Xisbiga KULMIYE
"Dhallinyarada HORMOOD Intii Aanu Cumar Carte Isa Sharaxin Waxay Ahaayeen UCID, Walaalkay Xasan Xaydh-na.."
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Beckham oo gabadhiisu ka baayacday naadiga Inter Milan
Patrick Vieira ma ciyaari doonaa ciyaarta Valencia
Hector Cuper oo sheegay inuu Crespo caawa ciyaari doono |
|
Maxaa Laga Ogyahay Xaaladda Werwerka Leh Ee Xeebta Galbeedka Somaliland
|
250 Shaqaale Ajenibi ah ayaa subax-walba laga soo gudbiyaa dhinaca Djibouti, waxa kale oo ku sugan 100 Doonyood Oo laga leeyahay Yemen - Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee Boorama
Boorame (Haatuf): 250 shaqaale ah oo loo soo kiraysto xaalufinta degaamada beriga ayaa subax walba laga soo talaabiyaa xadka Jabuuti, sidoo kale waxa xeebaha galbeedka Somaliland hoganaya inka badan 100 doonyood oo kaluunkii badda ku jiray midhtiray ama xaalufiyey, laakiin guud ahaan xeebaha galbeedka waxa ka taagan xaalad walaac leh oo sawiro kala duwan muujinaysa, iyadoo ay dareemada halkaa ka jira ka mid yihiin siyaasado qunyar socod ah oo dhul-durugsi ah.
Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar oo toddobaadkii hore booqday degaamada xeebaha galbeedka Somaliland ayaa warbixin dhinacyo badan leh nooga soo diray muuqaalkii uu ku soo arkay halkaa, waana tan warbixintii:
"Waxaad moodaa inay kooxo ajnebi ah ku loolamayaan dhul-boobka iyo xaalufinta khayraadka Somaliland beri iyo bad-ba.
Marka la eego dadyowga dunida maanta dal-na khayraadkiisa kala duwan ee bad iyo beriba leh kuma bixiyo si hawl-yar, iskamana dayaco, isla markaana qofna khayraadkiisa nololeed shilimo kuma doorsado, laakiin taasi Somaliland bay hadda ka muuqataa, waxayna xaaladdu noqotay in shilimo yar lagu bedesho khayraadkii dabiiciga ahaa ee ay ahayd in lagu ilaaliyo mustaqbalka nololeed ee boqolaal qoys.
Mar aan dhowaan booqday xeebaha galbeedka Somaliland ee jiidaha gobolka Awdal waxaan ku arkay xaalada naxdin leh, taas oo ay yaab iyo amakaag igu noqotay sawirka naxdinta leh ee aan xaaladda badda iyo beriga degaamadaa, laakiin markii aan gaadhay soohdinta u dhexaysa Somaliland ioy Jabuuti waxaan kula kulmay dad maskaxda ka moral-jabay oo aaminay inaanay haysan dawlad xoog leh oo ka waabbin karta ama wax kala qaban karta dagaalka dhaqaale, nololeed, siyaasadeed iyo degaan ee la aaminsan yahay inay dabada ka riixayso dawladda deriska la ah Somaliland ee Jabuuti.
Dadka ku nool degaamo ay ka mid yihiin Saylac, Lawyacaddo iyo meelaha kale ee la midka ah waxay u muuqdaan dad u af-duubban kooxo ajnebi ah oo ka baayac-mushtaraynaya boobka khayraadka badda iyo ka beriga, isla markaana waxyaalaha badeecadaha ama khayraadka ay dadka ajnebiga ahi ka baayac-mushtaraynayaan waa wax ay dadka reer Somaliland ee degaamadaa ku nooli ka baayac-muishtarayn karayaan, iyaga oo ka faa’iidaysanaya, dhaqaalaysanayana khayraadka dhulkooda, laakiin waxay u muuqdaan dad u itaal-waayey inay sidaa yeelaan.
Laga bilaabo tuullada Ceel-gaal ilaa tuullada Lawyacaddo oo ah dhulka soohdinta ah waxaad moodaa inay dadka halkaa degani u afduubban yihiin kooxo ka soo jeeda maleeshiyooyinkii sannadkii 1995-kii dagaalka lagaga saaray xeebaha galbeedka Somaliland, iyaga oo doonayey inay qaybsadaan, kuwaas oo hadda doonaya inay siyaasad qabow oo nabadgelyo ah ku qaybsadaan degaamadaa.
Maleeshiyooyinkaa oo ay waqtigaa taageeri jirtay dawladda Jabuuti rag taliyayaal ka ahaa xiligaa ayaa ka mid ah kooxaha isaga dab-qaada ganacsiga ujeeddo badanka ah ee ka socda xeebaha galbeedka Somaliland, waxayna kooxahaasi dadka degaamadaa ku nool ku beerlaxowsadaan inaanay dhinacooda (Dhinaca Somaliland) ka jirin ama aanay haysan dawlad adag oo wax kala qaban karta dhibaatooyinka nololeed ee haysta, xaaladda abaaraha ee degaamadooda naafaysay iyo guud ahaan duruufaha nololeed ee haysta, sidaa darteed ay iyagu wax u qaban karaan oo ay u samaynayaan mashaariic dhinaca horumarinta iyo daryeelka nolosha ah, iyadoo iminkaba mashaariic yar yar loo sameeyey.
Nimanka qabqablayaasha ka ah kooxaha jiidaaha ka baayac-mushtareeya oo hore taliyayaal uga ahaan jiray maleeshiyaadkii ama ciidamadii berigaa quundareeyey inay qaybsadaan degaamadaa waxay hadda soo gashadeen shaadh reernimo waxa ka mid ah meelaha ay hadda aadka ugu tuuradhableeyaan degaamda C/qaadir, Ceel-gaal, Eshacaddo, Habaas iyo Lawyacaddo, laakiin magaalada Saylac waxa jooga saraakiil maamulka Somaliland oo kooxahaasi wax qarsoon mooyaane kama dhexmuuqdaan.
Degaamada xeebta ee aan booqday waxaan ku arkay qoysas badan oo u dhashay gobolka Awdal, kuwaas oo ahaa kaluumaysato noloshooda kala baxa khayraadka badda, halkaana qoysaskooda ka biillin jirin, iyaga oo xiliyada qaar aan meel fog-ba u tegi jirin kaluunka ay raadinayaan ee ka soo qabsan jiray cidhifka ugu sokeeya ee badda, laakiin maanta taasi ma jirto, waxayna qaar aan la kulmay ii sheegeen inay waqtigan adag tahay inay xabbad kaluun ah badda ka soo helaan.
Saleebaan Aw-Cali Maasheeye oo ka mid ah qoysaska kaluumaysatada ah ee ay noloshoodu ku xidhnaan jirtay khayraadka badda, una dhashay gobolka Awdal, laakiin ka mid ahaa dadkii qurbaha ka soo laabtay si uu u maalgashada khayraadka badda ayaa isaga oo arintaa ka waramaya yidhi "Lacagtaydii aan debedda ka soo shaqaystay waxaana geliyey baddan, aniga oo is lahaa ilaahay dalkaaga wax hakaa siiyo, laakiin nasiib daro waxaad moodaa inuu nin masuul ahi boqol doolar siistay baddii, waayo inka badan boqol doonyood oo kaluumaysato ajnebi ah ayaa gurta khayraadkii iyo kaluunkii baddeena, isla markaana kaluunka aanay doonayna isaga oo mayd ah ayey xeebaha ku daadiyaan."
Nin kale oo isna ka mid ah dadka ay noloshoodu ku xidhnayd kaluunka oo aan kula kulmay magaalada Saylac ayaa isna yidhi, "Waxay dantu nagu khasabtay inaanu kaluunka iyo khayraadka baddeena la xaalufino dadka ajnebiga ah ee Yameniyiinta, Canfarta iyo dad kale oo ajnebi ah si aanu u helo quutal-daruuri", laakiin ninkani isaga oo tafsiir ka bixinaya sababta ay sidaasi ku dhacday wuxuu yidhi "Hadii aanu is-nidhaahno iska celiya waa nala xidhayaa". Xadhigaasna waxay ula jeedaan maamulayaasha dawladda ee halkaa jooga oo ay dadku leeyihiin iyaga ayaa arimaha shurik kula ah kooxaha ajnebiga ah. Tusaale ahaan waxaan magaalada Saylac ku arkay nin la yidhaahdo Mahdi oo markaa la joogay nin kale oo la yidhaahdo Calas oo ka tirsan wasaaradda kaluumaysiga, halka uu Mahdina hore uga mid ahaan jiray wasaaradda maaliyadda, sidaa darteed waxay labadooduba maalinta aan halkaa kula kulmay ku mashquulsanaayeen sidii ay qaboojiyayaal ay hay’adda COOPI magaalada Saylac ka dhistay baraf uga siin lahaayeen doonyo xeebahaa ka kaluumaysta oo Yamen laga leeyahay, laakiin la siiyey jinsiyado Somaliland ah oo la garanayn sababta ay ku mutaysteen.
Dhinaca kale xaalufinta iyo nabaad-guurinta lagu hayo dhulka beriga ah ayaa ka sii naxdin badan ta lagu hayo khayraadka badda.
Sarkaal ka tirsan ciidanka nabadgelyada Somaliland oo codsaday inaan magaciisa la sheegin oo aan kula kulmay magaalada Lawyacaddo ayaa ii sheegay inay jiraaan shaqaale tiradoodu gaadhayso ilaa 150 qof oo ajnebi ah subax walba laga soo gudbiyo dhinaca degaanka Jabuuti, kuwaas oo degaamada Somaliland ka guba dhuxasha, ka dibna u rara dhinaca Jabuuti, wuxuuna yidhi "Shaqaalaha laga keeno Jabuuti waxa ku shaqaysta ganacsato reer Jabuuti si ay dhuxusha ugu gubaan, sidaa darteed kumaakun geed oo qoyan ayaa jiifa kaynta ku wareegsan Lawyacaddo."
Xaalufinta lagu hayo qaniimadda beriga iyo khayraadka badda ee xeebaha Somaliland ayaa u muuqda inaanay waqtiyada dhow joogsanayn, waayo waxaan muuqan awood waxaa la tacaali karta, ka dibna ka takhalusi karta.
Saldhigga koowaad ee ciidanka Qaranka Somaliland ayaa jiidahaa soohdinta fadhiisankiisu yahay, kuwaas oo doorkooda ugu weyni yahay ilaalinta amaanka jiidaha soohdinta, waxayse u muuqdeen niman ku sugan duruuf adag oo nololeed.
Marka la isku soo xooriyo xaaladda xeebaha galbeedku waxay ahayd mid werwer leh, isla markaana hadii ay xaaladdu sida ay hadda tahay ku sii socoto waxa iman doonta xili wax kale la arki doono, iyadoo waxyaalaha iman kara ay ka mid yihiin inuu maamulka Somaliland ka soo dabagaabto jiidaha xeebaha oo la arkiwaayo maamul ka shisheeya Boorame."
Top
Ma Laga Yaabbaa Ciidamada Maraykanka Ee Jooga Djibouti In Ay Qabsadaan Xeebaha Galbeedka Somaliland? |
Faallo - Maxamed Cumar Sheekh, Boorama
Sheekooyinka ku saabsan ciidamada maraykanka ee ku sugan jabuuti maxay waxtar iyo waxyeelo u leeihiin dalka Soomaaliland weli waa la hadal hayaa siday u dhici doontana Ilaahbaa garan.Inkastoo waayadan dambe ad mooddo inay dadka reer Soomaaliland iska iloobeen sheekooyinkaasi hase yeeshee ciidamadaa sheekadoodu waxay u egtahay xaabo hoosta kasoo shidmaysa.Mar an dhawaanta hawlo u tegey xeebaha galbeedka soomaaliland, gaarahaan degmada Saylac iyo tuulooyinka la xidhiidha oo ayka mid tahay tuulada soohdinta ee Lawyacaddo,aayaa waxan soo ogaaday in hawsha ciidamadaasi ku sugan dalka Jabuuti ay saamayn ku yeelan doonaan dalkeena, gaar ahaanna dhinaca Galbeed ee Gobolkan Awdal.
Bishan horraanteedii ayey ahayd markii an tuulada Lawyacaddo kula kulmay sheeko ku saabsan da'yar loo xidhay inay ka dambeyeen fal lagu burburiyey malcaamad quraan ku taalla Lawyacaddo. Markii an baadhay sababta loo burburiyey malcaamaddaasi sheekadeedu maahayn mid iga qarsoontay waxana markiiba la ii sheegay in haween ka yimi Dalka Jabuuti ay dhallinyaradan u adeegsadeen burburinta malcaamaddaasi oo ka samaysnayd loox iyo kartoon, sababna looga dhigtay" in wadaaddo argagixisada taageeraa leeyihiin malcaamadda". Inkastoo dhallinayaradaa ku xidhnayd saldhigga Booliska Lawyacaddo ay da'doodu ka yarayd 14 jir laba na ay ahaayeen kaddibna lasii daayey, hase yeeshee sheekada ka dambaysaayi maaha mid la yaraysan karo.Maalin walba waxa la ii sheegeyey intaan joogay tuuladaasi in saraakiil sarsare oo maraykan ahi oo la socda qaar ka tirsan ciidanka reer Jabuuti marmar iskasoo galaan soohdinta dhinaca Soomaaliland .Askarta reer Jabuuti ee dalka Iskasoo gala waa wax caadi ah markaad joogtid lawyacaddo, balse waxa dareen ka jiraa kuwa marakanka ah ee marmar sooraaca.
Ciidanka marykanka ee jooga xeebaha Soomaaliland iyo Jabuuti waa kuwa si caadi ah ad u arkaysid marka ay kusii socdaan saldhigyadooda badda Cas iyo marka ay Jabuuti imaanayaanba .Dayuuradaha Helkobtarada oo anad arkayn marka ay fadhiisanayaan iyo marka ay kasoo duulayaan saldhigyadooda .Kalluumaysato Reer lawyacaddo ah ayaa ii sheegay in ciidamada maraykanka ay had iyo jeer iskaga horyimaaddaan badda dhexdeeda annagoo kalluun raadsanayna iyaguna ay argagixiso raadinayaan.
"Waxay marmarka qaarkood ee ay na arkaan nagu furan guux an is nidhaahdo malaha badda ayey idinku ridayaan," sidaa waxa yidhi cali xuseen oo 42jir ah.Dadka rer lawyacaddo ayaa waxa kale oo hadal hayaan subax walba waddadii la odhan jiray Tora Bora la geeyo ciidan maraykan ah, iyagoo looga sheekaynayo sida ugu habboon ee ciidamadaasi ku hubsaan karaan haddii argagixso lagu sheego tuulooyinka ku dhowdhow soohdinta Jabuuti iyo Soomaaliland. Warar kale oo an kasoo xigtay dad wargaleen ah ayaa iyaguna igu yidhi, in magaalada la yidhaa Dameerjoog ee u dhow soohdinta labada dal loo xaadhayo ciidammo maraykan ah oo soo dega, si marka kasta oo loo baahdo uga hawlgeli karaan gudaha Soomaaliland, gaar ahaanna xeebaha galbeed ee gobolka Awdal. Hadaba dhaqdhaqaaqayada ay soohdinta Jabuuti iyo Soomaaliland ka wadaan labada ciidan oo isku dhafani waa mid dhibteeda leh, maadaama Jabuuti maamulkeedu iskusoo kalabixiyey galbeedka gobolkan Awdal isagoo salka ku haya magac beleed oo sheegta deegaankaasi,xukuumadda Jabuutina ay beel ahaan u caawiso.
Ugu dambayn lama garan karto waxa uu ku dambayn doono xarakaadka ciidanka maraykaanka ee ay la socdaan saraakiisha ciidanka jabuuti,waxase dhici karta in faragelin ay Jabuuti itaal ugu weyday gudaha Soomaaliland, ay manta u sahlantahayinay ku qabsato qaybta galbeed ee Soomaaliland oo uu weligeedba beelaha reer Jabuuti sheegan jireen,horeyna ay u taageeri jirtay maleeasiyooyin kasoo jeeda dhulkaasi oo dabada ku haynaa xukuumada Jabuuti.
Top
Abdirisaq Ibrahim Koshin (Alpho)
Wuxuu Ahaa Muuqaal Ka Marag Kacaya Kana Markhaati Furaaya Nolosha Iyo Naxariis Darrada Dhabta Ah Ee Ka Taagan Soomaaliland.
Wuxuu Ahaa Xaqiiqada Runta Ah Ee Maanta Dalku Marayo, Iyo Sida Aan Dawladda Meesha Ka Jirtaa Haba Yaraatee Aanay U Ahayn Tii Loo Soo Halgamay, Is Weydiintuna Waxay Tahay Tolow Matii Lala Halgamaybaa?
Hodan Umay Dhiman Daawo La'aan, Umay Dhiman Cuno La'aan Waxayse U Dhimatay Gunadii La Siin Lahaa Dhakhtarka Muujiyey Naxariis Darrada Xad Dhaafka Ah.
Haddii Aad Tahay Muwaadin Dhab Ah, Bal Is Bar-Bar Dhig Nolosha Wasiirada Aqalladooda Ku Rabaystay Shabeellada, Cago Baruuryada, Deerooyinka Iyo Goodirrada.
Xaqiiq Waxa Ah In Ugaadhaa Joogta Aqallada Xukuumaddu Ay Boqolkiiba Qoqol Ka Nolol Fiican Yihiin Dhammaan Ummadda Reer Soomaaliland.
Hodan Geerideedii!
1-Hodan Geerideedii,
2-Halbowlaha Guntiisiyo,
3-Garka Iyo Wadnaha Iyo,
4-Jiidhkay Gariiroo,
5-Hodan Geerideedii,
6-Gaaliyo Islaambaa,
7-Gidigoodba Ooyoo,
8-Hodan Geerideedii,
9-Gudcurow Nin Daawaday,
10-Gocashada Ilmeeyoo,
11-Hodan Geerideedii,
12-Guuldarray Ahaydoo,
13-Hodan Geerideedii,
14-Dulmi Iyo Gaf Weeyoo,
15-Hodan Geerideedii,
16-Duniduu Gilgilayoo,
17-Hodan Geerideedii,
18-Fiintaa Ka Goohdoo,
19-Hodan Geerideedii,
20-Waa Lagu Goblamayoo,
21-Hodan Geerideedii,
22-Dhiilay I Gelisoo,
23-Hodan Geerideedii,
24-Geyigey Wax Yeeshoo,
25-Hodan Geerideedii,
26-Goroddaan Laad-Laadshoo,
27-Hodab Geerideedii,
28-Guhaad Bay Abuurtoo,
29-Hodan Geerideedii,
30-Gardarray Ahaydoo,
31-Hodan Geerideedii,
32-Naxdin Gaar Ah Weeyoo,
33-Hodan Geerideedii,
34-Guud Ahaan Jab Weeyoo,
35-Hodan Geerideedii,
36-Bad-Dow Gabaygu Weeyoo,
37-Hodan Geerideedii,
38-Rogmad Iyo Geddoon Iyo,
39-Gabal Baas Inay Tahay,
40-Geeraarku Weeyee,
41-Guyaal Iyo Guyaal Dheer,
42-Wixii Duurka Loo Galay,
43-Harraadka Iyo Gaajada,
44-Waxaan Diif La Golon-Golay,
45-Lixle Geesi Weeyee,
46-Gacmo Dheere Loo Dilay,
47-Indheer Garad Wixii Aan,
48-Idhi Gala Dagaalada,
49-Gurboodkiyo Caruurtii,
50-Waxay Nacab U Gaysteen,
51-Bar-Baartiyo Geddaydii,
52-Garbo Duubka Loo Xidhay,
53-Halyey Iyo Wixii Gaban,
54-Goolibaadhka Lagu Dilay,
55-Gabdhii Iyo Haweenkii,
56-Waxay Nabar U Geysteen,
57-Ganbo Iyo Asaydii,
58-Wixii Gaari Loo Xidhay,
59-Gayaan Iyo Wixii Inan',
60-Guur Weydey Bacadow,
61-Axmadow Wixii Galab,
62-Iyo Fiid La Gawracay,
63-Wixii Gees Ilaa Gees,
64- Wixii Gaas La Ii Wacay,
65-Guutooyin Faro Weyn,
66-Wixii Weerar Soo Galay,
67-Wixii Guluf Colaadeed,
68-Guudkayga Lagu Furay,
69-Madaafiicda Goobtiyo,
70-Waaqluhu Gab Uu Yidhi,
71-Guuxiyo Dabayshii,
72-Wixii Geedo Kala Jabay,
73-Diyaaraadku Guudkaa,
74-Waxay Iga Dul Goosheen,
75-Gurmadkiyo Carraabaha,
76-Waxaan Subax La Kala Goyn,
77-Suxeenow Gantaaluhu,
78-Waxay Ciida Gubayeen,
79-Boqol-Boqol Wixii Goof,
80-Dhalin Yarada Lagu Guray,
81-God Waxay Ku Aaseen,
82-Ragaan Go'inna Noolayn,
83-Naf Wixii Galgaladkii,
84-Ruux Gunaanadaa Jirin,
85-Wuxuu Moorgan Gaystiyo,
86-Wuxuu Gaanigii Fallay,
87-Gaadiidka Qaarkood,
88-Ma Gaydaan Yidhaahdeen,
89-Guri Iyo Waxay Aqal,
90-Gidaarada Bur-Buriyeen,
91-Guunyo Iyo Maalkii,
92-Waxaan Gaadhi Laga Tegin,
93-Galbeed Iyo Illaa Bari,
94-Gam Wuxuu Dadkii Yidhi,
95-Guban Iyo Illaa Hawd,
96-Gidigay Markaan Qaxay,
97-Faysalow Galiilyada,
98-Gawsaha Waxaan Cuno,
99-Wax Kastoo I Gaadhaba,
100-Geyigii Haddaan Helay,
101-Dawlad Iyo Haddaan Geesh,
102-U Guntaday Inaan Dhiso,
103-Gole Iyo Wasiiriyo,
104-Haddii Guurti Loo Xulay,
105-Horumar La Gaadhiyo,
106-Guulaan Sugaayee,
107-Cashuuraa La Gurayaa,
108-Mar Haddaanay Gaadhayn,
109-Cusbitaalka Guud Iyo,
110-Goobaha Wax Barashada,
111-Gunno Iyo Hadduu Rabo,
112-Gudoomiyuhu Laaluush,
113-Dhakhtaradu Gun Weeyee,
114-Hadday Goobayaan Lacag,
115-Allaylehe Geddaan Rabay,
116-Haddii Garabka Laga Maray,
117-Gardarada Caddaan Ka Ah,
118-Haddaan Laga Garaabayn,
119-Godol Qaad Hashaydii,
120-Hadday Weli Galloof Tahay,
121-Gaawuhu Ha Kala Jabo,
122-Iyo Gorofku Shaadhaw.
Top
Masuuliyiin Ka
Tirsan SAHAN Oo La Midoobay Xisbiga UDUB |
Hargeysa (Haatuf): Xubno sar-sare oo uu hoggaaminayay guddoomiye xigeenka ururka SAHAN, Xaaji Diini C/laahi Xande ayaa qoraal ay xalay keeneen xarunta wargeyska Haatuf ku sheegay inay la midoobeen xisbiga UDUB.
Xubnahan oo tiradooda ku sheegay 14 xubnood oo isugu jira golaha dhexe, guddida fulinta iyo guddoomiyihii garabka haweenka oo u horkacayo guddoomiye xigeenka ururka SAHAN, Xaaji Diini C/laahi, waxay sheegeen in kadib markii muddo toban maalmood ah Madaxda SAHAN iyo UDUB kulamo uga socdeen Hotelka Baar Xaraf ee magaalada Hargeysa ay isku af-garteen inay ku midoobaan Madaxda SAHAN iyo UDUB.
Sida ay ku sheegeen qoraalka ay nasoo gaadhsiiyeen xubnaha SAHAN ee ka qaybgalay kulankaa waxay kala ahaayeen sidan:
"Kadib kulamo ay yeesheen Madaxda labada urur ee Garabka SAHAN iyo xisbiga UDUB oo qaatay muddo (10) tobaneeyo cisho ah, kuna lafa-gureen sidi labada urur ay u midoobi lahaayeen, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/03/03, waxa Hotelka (Baar Xaraf) ka dhacay kulan ay labada urur madaxdoodii ku midoobayeen, waxaana garabbka SAHAN gua qaybgalay madax ka kooban golihii fulinta iyo garabkii dhexe ee ururka SAHAN, waxaanay magacyadoodu ahaayeen sidan;
-
Xaaji Diini C/Laahi Hande (Guddoomiye Xigeen)
-
Cabdi Cismaan Jaamac - Guddoomiyaha Gobolka W/Galbeed
-
Xasan Sh. Maxamed Aw Cali - G/Fulinta 4. C/Laahi Cali Xuseen - G/Fulinta
-
A/Raxmaan Xasan Cabdi - G/Fulinta
-
Kiin Cismaan Yuusuf - Garabka Haweenka
-
Siciid Maxamed Guuleed - G/Dhexe
-
Yuusuf Xuseen Cumar - G/Dhexe
-
Bashiir Xaashi Guuleed - G/Dhexe
-
Aamina Faarax Boqore - G/Dhexe
-
Malyuun Yuusuf Siciid - G/Dhexe
-
Ikraan Yuusuf Ibraahim - G/Dhexe
Top
Anagoo ah naadiyada heerka koowaad ee ka dhisan gobolka Tog-dheer gudoomiyahooda waxaanu halkan ku muujinaynaa inaanu taageersanahay maamulka cusub ee loo soo magacaabay xidhiidhka kubbadda cagta ee gobolka Togdheer.
Waxaanu u baahanahay anagu maamulka cusubi sida firfircoonida leh ee hawshiisa uu u qabsaday markii la soo magacaabay.
Anaguna uma baahnin maamul aan shaqadiisa qabsanayn.
Waxa kale oo aanu mahad celin u diraynaa gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland isaga oo ka taliyay aayaha gobolka isaga oo soo magacaabay xubin firfircoon oo xilkeeda ka soo baxaysa, waxaa kale oo aanu ka codsanaynaa inaanu noo maqal dadka aan ka talinayn aayaha gobolka.
Anaga oo kala ah
Gudoomiyaha Naadiga STC Mubaarik Tarabi Xuseen
Caafi Aadan xuseen mire, Star Barkhad Saleebaan Dayr, Nesco Ibraahim Axmed (Xun-dub), MBC Cali Xasan Mire, Kastamka Daahir Cali Ibraahim, Ramadaan C/Wahaab Maxa’ed (Mabuuto).
Top
Golihii Deegaanka ee Hargeysa Ka Shaqaysan Kari La’yihiin oo Fara gelin- ku haya wasiirka arrimaha gudaha. |
Waxaynu wada ogsoonahay in dhawaan la soo doortay Golayaal deegaan oo shacbi waynuhu doortay. Deegaanka waxa dastuurka iyo shuruucda dalkuba awood u siinayaan in ay maamulkooda u madax banaan yihiin.
Haddaba waxa jirta in uu wasiirku arrimaha guduhu ku hayo faro gelin joogto ah, isagoo dhawaan u magacaabay waaxda Koodbuur Gudoomiye.
Waxaana iska leh awooda magacaabista gudoomiyayaasha xaafadaha (Golaha Deegaanka).
Sidaa darteed waxaan kula talinayaa madaxweynaha in uu wax ka qabto arrintaasi, oo wasiirkiisa arrimaha gudaha ee faraha kula jira golaha deegaanka uu runta u sheego.
Waxaan hambalyo u soo jeedinayaa golaha deegaanka Hargeysa ee cusub dhawaana la doortay iyo sida hufanee ay markiiba u bilaabeen shaqadooda iyo waajibaadkooda (Alla ha u fududeeyo). Waxaanan kula talinayaain aanay cidna uga xadhig xidhan shaqadooda cidna ugu habran.
Siciid Maxamed Ismaaciil
Hargeysa
Top
Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 7aad
Waxa la xulay xubnihii lagu tuhunsanaa inay Xayaad isugu aqoon roon yihiin ama la aaminsanaa inay u soo joogsanayso, ilayn waa gabadh qoys tijaar ah ka dhalatay oo uu dhal-dhalaalka lacagtu qab khiyaali ah ku beeraye, ka dibna xubno door ah oo ay xataa ku jirto gabadhii Ruqiya ayaa iyaga oo keli-keli ama laba-laba qoloba mar u tagtay gabadhii Xayaad, laakiin nasiib darro qolo waliba hungo ayey kala soo carowday, waxayna carrabka ku adkaysay kel-mada "MAYA", taasina waxay natiijadeedu noqotay inay qolyihii "Xayd-xayday ee Biixi saaxiibadii quus iskula soo noqdaan arrintuna waxay mar kale isa soo taagtay Biixi oo dedan, xanuunkiina ku soo waynaaday, iyo Xayaad oo quus laga sido.
Biixi saaxiibadii wer-werka ay la qabaan saaxiibkood Biixi waxa ugu sii darsamay fadeexadda suuqa gashay iyo weji-gabaxa ay kala soo kulmeen ergadii ay ula tageen Xayaad, ka dib markii ay ku soo gacan-saydhay, iyada oo weliba Xayaad iyo Ruqiya afku ka xumaaday oo ay is-dhaafsadeen ereyo aan aflagaado ka madhnayn. "Naayaah’e ha arkin hayn la’aantiisa ee hadda wuxu waa nin rag ah ee nabsiga iska du" ayey tidhi Ruqiya iyada oo la hadlaysa, sidoo kalena Xayaad waxay taa kaga jawaabtay "Naa orodiska tag, anigu mustaqbal baa doonayaaye xagee buu I geynayaa wiilkan yar ee haylaha xun-xun sitaa."
Dhalinyaro meel ay joogtaba xifaale kama dhamaado’e kooxihii kale ee ay Biixi ama saaxiibadii hoos-ka tuurka lahaayeen ayaa markiiba sheekadii aad u sarifay, ka dib-na nux-nuxda iyo xanta Biixi ayaa suuqyada iyo goobaha dhalinyaradu isugu timaaddo ku batay.
Biixi sidii cawl gooni daaq ah ayuu ka baadiyoobay cid walba, talo aduun ayaa ku cadaatay.
Biixi isna wuu ogaa wadhidii kala kulantay markii uu Xayaad is-agtaagay, sidoo kale saaxiibadii-na wuu ogyahay weji-gabaxii ay kala soo kulmeen lad-qabadii Xayaad, sidaa awgeed xaaladdu meel yididiilo xun bay la maraysaa, laakiin rag talo kama soo dhamaatee, markii uu habeeno badan gal-gashay ayuu maalintii dambe go’aansaday inuu waraaq u qoro una bandhigo waayihiisa, bal inay inna u soo debecdo, wuxuuna ereyba-ereygii uu is lahaa wuu ka dux iyo debec-roonyahay ama uu islahaa in-uun baad ku soo jeedin karta qalbigeeda kaa sii jeeda.
"Xayaadeey, xero-edeg dhamaanteed xurmadaan ka doortaay, mar uun erey xishoodliyo, naxariis-le igu xamo" ayaa ka mid ahaa weedhihii uu ku xardhay waraaqda, wuxuuna qoraalkiisa ku soo afjaray "nolosha dunidu waa sida lib-dhada "Qorax" soo baxda ee haddana dhacaysa..."
La soco...
Top
Talooyin Ku Socda Golaha Deegaanka Hargeysa |
Iyadoo muddo 30 sanadood iyo ka badan ah waa markii ugu horeysay ee la soo doorto gole deegaan bishii December ee sanadkii ina dhaafay. Haddaba maayaradii xiiqsanaa ee madaxweynuhu kolba mid soo magacaabayay ee talada keligood dusha ku sitay, wakhtigoodii wuu dhamaaday maadaama ay idinka dadweynuhu idiinla xisaabtami doono muddada aad xilkala idiin doortay haysaan.
Haddaba Hargeysa oo ah caasimadii dalka JSL waa magaalo si aad u balaadhan loo dhisay, laakiin waynideedaasi qurux ma laha maadaama ay si qaab daran isu dhextaalo foolxumooyin badanina ay ka muuqdaan, si ay haddaba u yeelato muuqaal caasimadeed waxaan idinkula talinayaa arrimahan hoos ku qoran in aad ku dhaqaaqdaan.
-
Arrimaha dhulka oo ah arrimaha ugu dhibaato badan uguna mushkiladda badan dhibaatooyin hore oo illaa dil gaadhsiisana ay hore uga dhaceen arrintaasina ay ilaa imika taagantahay, waxaan la idinka sugayaa haddaanu nahay dadweynaha in aad arrimahaas gacan bir ah ku qaban doontaan.
-
Shaqaalaha dawladda hoose oo tiradoodu lagu sheego 800 Ruux ama in ku dhaw, inta loo baahanyahay ee shaqa rasmi ah haysana ay tahay ugu badnaan 350 ruux, si haddaba culayska dhaqaale ee shaqaalaha aan loo baahnayni idinku hayaan uu u yaraado waa in la dhimaa shaqaalahaas faraha badan.
-
Haddii aydaan dhaqaalaha (Cashuuraha) aad u baahan tihiin oo ah kuwa lagu hawl gelayo aydaansi habsami ah u soo ururin waxba idiin socon maayaan, tacriifadaaha cashuuraha qaar badan baa khaldan oo isuma miisaana, markaa waa in dib u habayn lagu sameeyaa, waana in cashuuraha culayska weyn la saaraa soo ururintooda kuwii hore u baaqday iyo kuwa imika taaganba.
-
Dhinaca nadaafadda magaaladu aad bay u liidataa meel walbana xashiish ayaa yaalla, xiligii roobabku bilaabmi jireena way soo dhawyihiin markaa magaaladda waa in olole nadaafadeed oo shan degmo maalinba mid lagu qaado, wixiika dambeeya waa in wiigiiba maalin laga dhigaa olole nadaafadeed oo magaalada oo dhan ah.
-
Waa in aad iibsataan gaadiid badan oo xashiishka qaada oo gaadiidkaasi noqdaa mid tayo wanaagsan. Haamaha xashiishka lagu ridana waa in la badiyaa oo la dhigaa meelaha dadka iyo qashinkooduba ku badan yihiin, iyadoo si joogto ahloo qaadayo xashiishka haamaha.
-
Jidadka Magaalada Hargeysa gudaheedu waa kuwii Ingiriiskiiiyo in yar oo Siyaad Barre ku daray, markooda horena tayadoodu aad bay u liidatay. Haddaba bal inagu jidad aynu samaysanaa ha inoo dambaysee kuwa imikajira waa in aad loo hagaajiyaa oo la dayactiraa si joogto ahna ciida dul tuulan looga qaadaa, mustaqbalkana waa in jidadkan loo sameeyaa biyo mareeno si looga nasto ciida iyo dhagxanta uu daadku keenayo habeen walbana waa in 10:00 habeenimo markay gaadho kuuliga gacantu ciida ka xaadhaan markiiba laga qaadaa.
-
Faras magaalihii Hargeysa wuxuu noqday kudaafad xashiish aad u fool xun waxaana sidaa ka dhigay jaadka lagu dhex iibinayo suuqa maalin iyo habeenba. Haddaan dibada looga saarin faras magaalaha jaadka weligeed ma hagaagaysa nadaafadda guud ee faras magaaluhu. Sidaa daraadeed waa in arrimahan lagu dhaqaaqo.
-
In Magaalada loo sameeyo xeryo cusub oo jaad sida dhinaca galbeed ee magaalada laga soo galo.
-
Dhinaca Dumbuluq xero u gaar ah,. Iyo Degmada Gacan libaax oo xero gaar ah loo sameeyo. Dumarka jaadka iibinayana waa in jidadka lagu amraa in ay dib uga durkaan si nidaamsana waa in ay u fadhiistaan oo aan loo ogolaanin meelaha cidhiidhiga ah.
-
Xeryaha cusub ee jaadka loo samaynayaana waa ragga miisaska ku iibiya jaadka.
-
Huteelada cuntada lagu sameeyo nadaafadoodu aad ayey u liidataa kuwa hurdaduna waa la mid rayiislayaasha timaha lagu jaro iyo kuwa hilib dalqaha jaraabana nadaafadooda iyo qalabkay ku shaqaystaana aad ayuu u liitaa. Hudheelada cuntaddu ma laha bulaacado ay ku shubaan wasakhda suuqa ayaanay habeenkii ku wada shubaan biyaha wasakhda ah, waa in si deg deg ah loogu amraa in ay bulaacado samaystaan, kuwa kale ee aan kor ku soo sheegayana waa in nadaafadooda la kaantaroolaa maalin walba, cuntooyinka qoyan ee suuqa lagu iibiyo aad ayey u fara badan yihiin, iyagoo aan wax shabag ah ama muraayad ah midna aan lahayn, waxaana ka mid ah khudradaa kala duwan caanaha, timirta, hilibka, iwm, dhamaantood waa in lagu qasbaa oo lagu ilaaliyaa si joogto ah in ay saaraan shabag.
La Soco
Top
Dugsiga Sare ee Gacan Libaax Miyaanu U Diiwaan gashaneyn wasaarada waxbarshada jamhuuriyada Somaliland :- |
Dugsiga sare ee gacan libaax waxa uu kamid yahay dugsiyada sare ee ka jira dalkeenan jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan waxa uu ka mid yahay afarta dugsi ee sare ee ku yaala caasimadan Hargeisa, haddii aynu dhinac kale ka milicsano dugsigan gacan libaax waxa uu ka mid yahay dugsiyada ugu ardayda badan ee ka jira magaalada hargeysa wuxuuna guud ahaan dugsigani ka kooban yahay 13 fasal kaas oo ay cel celis ahaan (galinka hore iyo gaalin ka dambe) ay fasalkiiba fadhiistaan 60 arday taas oo ka dhigaysa tirada guud ee ardayda wax ka barata dugsiga sare ee gacan libaax galinka hore iyo galinka dambeba 1400 oo arday , haddii aanu u daadegno dulucda aan uga golleenahay maqaalkan, waxa jira waxyaabo badan oo haddaba uu dugsigu u baahan yahay oo aan waxba laga qaban dhinac walba ha ahaato dhibaataduye taas oo cid wax u qabatay iyo cid u maqan toona aaney jirin, haddaba baahiyahan uu dugsigu u baahan yahay in wax laga qabto waxa ka mid ah waxyaabo aad u badan oo aynaan halkan ku soo koobi Karin, laakiin haddii aanu waxyaabo kamid ah ka taataabano amaba aanu eegno waxa kamid ah ugu horeynba.
Dugsiga gacan libaax oo haba yaraatee lahayn (deyr) taas oo wax u dhimeysa geedi socodka waxbarasho ee dugsiga, bal haddii aanu ku yara hakano , dhibaatooyinka lagala kulmo deyr la,aanta dugsiga haysata,ugu horeyn dhibta ugu horaysa ee ay ishaadu qabaneysaa waxa ka mida dhul ka mid ah barxada dugsiga oo aad arkayso geerashyo baabuurta lagu sameeyo taas oo dhibaato ku ah muuqaalka guud ee dugsiga iyo habsami u socodka waxbarasho ee dugsiga, marka loo eego dhanka sanqadha iyo sawaxanka kasoo baxaya baabuurta lagu sameynayo agagaarka iyo daaqadaha dugsiga, waxa kale oo ay dhibaatada deyr la,aantu baday dugsiga waxa jira dhanka koonfureed ee dugsiga oo uu ka jiro banjarle ku hoos yaala daaqadaha xiga dhinaca koonfureed ee dugsiga kuwaas oo ardayda ku jirta fasaladu ay kala kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin xagga maqalka iyo hanaan u dhegaysiga sharaxaada ay bixinayaan macalimiinta dugsigu, dhibaatooyinka kale ee deyr la,aanta dugsiga ay kala kulmaan maamulka iyo macalimiinta dugsigu waxa kamida ilaalinta iyo xaddidida habsanka ardayda oo ay ardayda ay qaar marka ay doonaan soconayaan marka ay doonaana iskaba baxayaan, iyo ardayda oo uu arday kastaaba uu soconayo saacada uu doono iyada oo ay weliba saacada dugsiga la gallo ay tahay 7:30 subaxnimo.
Dhanka kale waxa ay maamulka dugsigu ku guuleysteen ay u qabtaan shir ay waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiga sare ee gacan libaax markay taarikhdu ahayd 27 sep.02, maalin khamiis ah shirkaas oo lagu lafo gurayay arimo khuseeya dugsiga ha ugu horayso tan deyr la,aantuye , waxa haddaba nasiib darro ah in madaxdii wasaarada waxbarashada, sida gudoomiyaha gobolka hargeysa Axmed cali toor oo si gaar ah loogu marti qaaday shirkaas oo aanu haba yaraatee kaba soo daahirin isaga iyo qof metalaya toona, taasina waa mid ka mid ah cabashooyinka ama dhaliilaha ay ardayda dugsiga gacan libaax u hayaan wasaarada waxbarashada,waxaana wasaarada waxbarashada ka codsanaynaa in si gaar ah (ka wasaarad ahaan) ay qaybta kaga aadan arintan ay isku taxalujiso intii karaankeeda ah, dhinaca kalena ay soo dhaweyn iyo wada shaqayn dheeraad ah u muujiso gudida waalidiinta dugsiga gacan libaax gudidaa oo lagu magcaabay shirkii waalidiinta dugsigu u qabsoomay 27 Sep.02.
Qodabka labaad ee aanu kaga hadlayno baahida dugsiga, runtii waa qodobka ugu muhiimsan ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto waana qodab ku saabsan waxyaabaha ardayga u fududeeya aqoontooda waxbarasho ee loo yaqaan (Educational facilities) waxaana kamid ah baahida buugaagta, buugaag taas oo loo yaqaano (Text books) dhinaca kale dugsigan baaxada lihi ma laha {laborotry} kaas oo run ahaantii faa,iido weyn u lahaan lahaa geedi socodka waxbarsho ee ardayda dugsiga iyo guud ahaan dugsiyada dalkeenaba, waxbarashaduna sideedaba waxa ay ku wanaagsan tahay laba qodob oo kal ah:
(1) {theory} iyo (2) { practical}, labadaa qodob oo run ahaantii aan kala maarmi Karin, haddaba ardayda dugsigu waxa ay wax ku bartaan (theory) keliyaarta iyada oo ay ka maqan tahay (practical) kii markaa wax dhacda in ardaydu qaadan kari waayaan amaba ay fahmi karin waxyaabo badan oo uu macalinku dhigayo sida maadadaha {Biology, chemistry, physicska} oo aan practical ahaan la qaadan Karin, tusaale ahaan waxa inoogu filnaan kara waxyaabaha loo yaqaano (Elements) ama curiyayaasha oo aan maqal ahaan mooyaane aaney aragti ahaan la taaban, tusaale kale haddii aynu u soo qaadano waxa kamid ah:-{Experiments} ama tijaabooyinka in aan macalimiinta iyo ardayduba isku taxalujinin sameynteeda waayo?
Haba yaraatee ma haystaan qalabkii tijaabooyinkaa lagu samayn lahaa, haddaba waxa is weydiin leh wasaarada waxbarashadu miyay awoodi kari weyday in ay dugsiga u sameyso laborotry yar cida ay doonto hala kaashato,e , dhanka kale nin faras wata iyo nin lugihiisa isticmaalaya haddii ay tartan wada galaan way iska cadahay natiijada halkaa ka dhalan karta, waxaananu uga golleenahay ardayda haysata amaba isticmaaleysa qalabka fududeeya waxbarshada iyo ardayda kale ee aan haysan qalabkaa weliba marka laga reebo dedaalkooda waxbarasho iyona way iska cadahay natiijada ka dhalaneysa meeshaa, oo aanay labadaa arday imtixaan ayna usoo wada fadhiisan Karin marka laga reebo dedaalkooda waxbarsho, haddaba miyaanay haboonayn in baahiyada dugsiga si isku mida loo wada daboolo?
Haddaba maamulka, macalimiinta, iyo ardayda dugsiga waxa looga fadhiyaa in ay qaybta kaga aadan horumarinta, bilicda, iyo waxbarashda dugsiga in ay halkooda ka sii wadaan dedaalkooda waxbarasho iyo wanaajinta akhlaaqdooda, waxaanan gaar ahaan kula talinaynaa ardayda dugsiga in ay meel uga soo wada jeestaan habsami u socodka waxbarashadooda, iskana ilaaliyaan akhlaaq xumada, inkast oo aanu odhan karno % {boqolkiiba boqol} dugsiga sare ee gacan libaax aad ayuu uga fiican yahay fikradaha laga haysto amaba laga aaminsan yahay taanba waxa amaan mudan maamulka, macalimiinta iyo ardayda dedaalka ay muujiyeen kana dhigay waxba kama jiraan fikradaha khiyaaliga ah ee ay dadka qaar ka aamin sanaayeen dugsigan , waxaananu jecel nahay in aanu ku marti qaadno cid walba si ay indhahooda ugaga soo bogtaan xaalada dhabta ah ee uu ku sugan yahay dugsiga sare ee gacan libaax anaguna ka arday ahaan wax aanu aamin sanahay in uu dugsigani yahay dugsiga ugu waxbarshada wanaagsan dugsiyada ka jira caasimada Hargeisa marka loo eego macalimiinta khibrada u leh aqoonta ay u gudbinayaan ardayda dugsigooda .
Maxamed Axmed Xuseen {Maxmed Case}
Maxd Omer Cabdi (M- Cirro)
Ga'an Libah Secandry School
Hargeisa
Top
Hargeysa (Haatuf) xisbiga KULMIYE ayaa shalay soo saaray warsaxaafadeed uu xukuumadda ugu mahad celinayo sida ay u gudatay waajibaadkeedii ahaa bixinta kharashkii ka hadhsanaa doorashooyinka warsaxaafeedkaa waxa kaloo ay xisbiga KULMIYE xukuumadda u soo jeediyeenin ay si deg deg ah uga qaado gobolka Sool ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga doorashada madaxtooyada, isla markaana ay xukuumadda ka waantowdo hanjabada iyo cago juglaynta ay ku hayso shaqaalaha dawladda, iyadoo la dhawrayo xaqa iyo xuquuqda kaanbaynka ee xisbiyada kale.
War saxaafeedkaasa oo uu ku saxeexnaa xoghayaha saxaafadda ee xisbiga KULMIYE C/Risaaq Cawaale Ducaale waxa uu qornaa sidan:
"Xisbiga KULMIYE waxaa uu hambalyeynayaa xukuumadda JSL gudashada waajibkii saarnaa ee bixinta kharashkii loogu talo galay doorashooyinka madaxtooyada ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacaan, oo ay u bixisay xukuumaddu si hagar la’aan ah kana soo baxday balanqaadkii ay hore u balan-qaaday.
Waxa kale oo xisbiga KULMIYE u soo jeedinayaa xukuumadda ina y xayiraada (xukunka deg dega ah) ka qaado gobolka Sool ka hor mudada loo cayimay doorashada madaxtooyada, taasi oo waajibka doorashadu tahay in muwaadin wal oo u dhashay Somaliland u codeeyo ayna ka duwantahay tii dawladdaha hoose.
Sidoo kale waxaa xisbiga KULMIYE kadigaya in xukuumadda ka waantowdo hanjabaada iyo cago juglaynta ay ku hayso shaqaalaha dawladda kala duwan oo ay tixgaliso xuquuda doorashada iyo rabitaanka halka ay doonayaan inay u codeeyaan.
Sidoo kale xisbiga KULMIYE isaga oo danaynaya una lexejeclo badan nabadgelyada iyo adkeynteeda, waxaa uu soo jeedinayaa xisbiga UDUB ee huwan shaadhka xukuumadda in ay dhawraan xaqa iyo xuquuqda kaanbaynka ee xisbiyada kale iyo ololhaas oo aanay dhicinin la xidh xidho iyo in aan la xanibin toona, waqtiga lagu jiro ololaha.
Xisbiga KULMIYE maaha xisbi u furan cayda iyo xag-xagashada xisbiyada kale sidaa uu ku sifeeyay madaxweyne Rayaale maaha KULMIYE, balse xisbiga KULMIYE kama il duufayo inuu soo bandhigo gol-daloolooyinka iyo dhacdooyinka taariikhda ah ee jira".
Top
"Dhallinyarada HORMOOD Intii Aanu Cumar Carte Isa Sharaxin Waxay Ahaayeen UCID, Walaalkay Xasan Xaydh-na.." |
Hargeysa (Haatuf): Ururo dhalinyaro oo ka kala tirsan xaafadaha 26-ka Juun iyo gacan Libaax iyo garab haween ah oo isna ka mid ahaa taageerayaashii ururka HORMOOD ayaa shalay ku biiray xisbi siyaasadeedka UCID.
Dhalinyaro iyo weliba kooxo haween ah oo ay tiradoodu gaadhayso boqolaal ayaa xaflad si weyn loo abaabulay oo lagu qabtay hoolka dhismaha la yidhaahdo RAINBOW oo ku yaal duleedka dhinaca waqooyi ee gidaarka ku wareegsan xarunta Raadyow Hargeysa kaga dhawaaqay inay ku biireen xisbiga UCID, iyadoo ay halkaa khud-bado ka jeediyeen xubno ku hadlaya ururada ku biiray UCID, isla markaana gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo xubno kale oo hogaanka xisbiga UCID ah ayaa iyaguna dhinacooda khud-bado u jeediyey dhalinyarada halkaa isugu soo baxday.
Khadar Maxamed Yuusuf oo ka mid ah xubnihii dhalinyarada u hadlay ayaa isaga oo iftiiminaya sababta ay xisbiga UCID ugu biireen waxa uu ku tilmaamay inay xisbiga UCID u arkaan inuu yahay ururkii dhalinyarada, isla markaana ay u arkaan inuu yahay xisbiga dalka gaadhsiin kara cadaalad iyo horumar, sidoo kale waxa ka mid ahaa xubnihii halkaa ka hadlay Aniisa Xaaji Cabdi oo iyana u hadashay garabka haweenka ee ku biiray xisbiga UCID.
Dhinaca kalena xoghayaha abaabulka xisbiga UCID, C/semed Xasan oo ka mid ahaa madaxdii UCID ee xafladdaa ka soo qayb galay ayaa halkaa hadal ka jeediyey, isaga oo dhalinyarada iyo haweenka ku biiray uga mahad naqay go’aanka ay qaateen ee ah inay UCID ku biiraan, laakiin gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo xafladdaa soo gunaanaday ayaa hallkaa ka jeediyey khud-bad aan aad u taf-dheerayn, isaga oo ugu horayn u mahad naqay ururada dhalinyarada iyo haweenka xisbigiisa ku biiray, isla markaan waxoogaa ka taataabtay barnaamij siyaasadeedka xisbigiisa, wuxuuna ugu horayn yidhi "Kelmado kuma cabiri karo mahad-naqa aad iga mudan tihiin", laakiin wuxuu intaa ku daray "SNM waxay ka samaysantay cadaadiskii Afweyne, UCID-na waxay ka samaysantay hogaan-xumada siyaasiyiinta Somaliland, waayo dhawr iyo tobankii sannadood ee aynu madax banaanideena haysanay waxa ina xukumayey siyaasiyiin qalbigoodu Wallaweyn jiro."
Faysal isaga oo ka hadlaya dhalinyarada hore u taageeri jirtay ee hadda ku soo biirtay xisbigiisa wuxuu yidhi "Dhalinyarada HORMOOD intii aanu Cumar Carte is sharaxin waxay ahaayeen UCID, iminkana UCID-diinii baad ku soo noqoteen, walaalkay Xasan Xaydh-na waxaan rajaynayaa inuu inoo soo noqon doono."
Faysal mar kale isaga oo ka hadlaya xisbiyada tartamaya wuxuu yidhi "Uma baahnin shan sannadood oo dambe oo qabyaalad iyo kala qayb qaybin ah", laakiin Faysal mar kale isaga oo farta ku fiiqaya ragga ka sharaxan labada xisbi ee UDUB ioy KULMIYE wuxuu yidhi "Axmed-Siilaanyo iyo Daahir Rayaale miyey Sheedaha sakaaro ka soo qabsadeen".
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 106 aad
Mingistu: Ka dib markii uu wada hadalkii iyo heshiiskii dalka Jarmalka nagu dhexmaray burburay ayaa hadana anaga oo aan intaa ku niyad jabin ayaanu diyaar u ahayn inaanu heshiisyo kale la galo. Tusaale ahaan ninka la yidhaahdo Burhaan Baayah waxa uu fadhigiisu ahaa magaalada Asmara, sidaa darteed dhawr qof ayuuu ergo ahaan ugu diray, laakiin markii uu ogaaday waxa uu ogaaday waxa uu mawqifkoodu yahay ururada Shacbiya ioy Jabha ayuu aad ugu dedaalay sidii uu xal ugu heli lahaa khilaaf anaga iyo iyaga na dhexyaal, isaga oo aad isugu deyay labadayada dhinac-ba sidii uu wax u fahamsan lahaa, isuguna kaaya soo dhowayn lahaa.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Burhaana Baayah isaga oo Adis-ababa nala jooga nooga waramay mawqifkoodaI wuxuu yidhi "Idinku mawqifka aad sidataan iyo colaadda aad qabtaan mid walba kacaanku wuu furdaamin karaa , laakiin wax walba waxa ka horeeya in la is aamino oo la isku kalsoonaado", dabadeedna qoraal aanu wada jir u diyaarinay, balse aan anigu gacantayda ku diyaariyey ayaanu ugu sii dhiibnay Burhaana Baayah. Hase yeeshee taasna waxba kama naasacadaa, sidaa darteed waxaanu mar kale u dirnay wefti uu hogaaminayo Kabtan Siisaay, kuwaas oo sababta loo diray ahayd inay wada hadal iyo kulamo la soo yeeshaan ururada dagaalamaya, weftigaas oo laba nin mooyee ay intooda kale ahaayeen xubno ka tirsan kooxihii dhaqdhaqaaqyada ardayda hogaamin jiray iyo xubno kale oo ka mid ahaa niman dalka debediisa joogay oo ay halkaa ku kulmi jireen ururada dagaalamaya, xidhiidhna ay lahaayeen, sababta aanu kuwaa ugu dirnayna waxay ahayd waa intaas oo ay xidhiidhkii ay lahaayeen awgii qadariyaan oo ay waan-waani suurtagashaa. Dabadeed weftigaasi muddo bil ah ayey Ereteriya joogeen, ka dibna dedaal kuwii hore oo kale la mid ah ayey galeen, iyadoo ay ujeedada weftigaasi ahayd inay wada hadalo toos ah la soo yeeshaan mucaaradka, laakiin wada hadalka mucaaradka oo qudha weftiga looma dirini waxa kale oo iyana weftiga hawlaha loo diray ka mid ahaa inay ciidamadayadii mucaaradka la dagaalamayey loo hakiyo dagaalkooda, taas oo askartii meelo ka mid ah jiidaha dagaalka dib looga yararay, laakiin iyagu jawaabtii ay hawshii weftiga xal raadiska ah ka bixiyeen waxay noqotay inay dib u qaybsadaan meelihii aanu askartayada ka soo celinay, waxayna mucaaradku markii waan-waanta iyo wada hadalka loola tegay ku jawaabeen, "Mar hadii aad tidhaahdeen hawl-galkayagu waxa weeye inaanu isbedel samayno, isla markaana aad tidhaahdeen waxaanu nahay kacaanyahano wanaag doonaya, arinta Ereteriyana wanaag iyo xasilooni ayaanu ku dhamaynaynaa, waxaanu idin leenahay inta aydaan wax kale gelin idinka oo aan waxba ka horaysiin waxaad noogu dhawaaqdaan xornimada Ereteriya".
Laakiin anaguna waxaanu taa kaga jawaabnay oo aanu nidhi "In xornimo Ereteriya la siiyo iska dhaafoo xataa dhul yar oo Itoobiya ka mid ah kuma noola dalka qof ama xisbi ogol, taasna go’aankeedu waxa uu ka go’aa ama saarran yahay ummadda Itoobiya oo dhan, idinka laftiinu maanta hadii aad joogi lahaydeen halka aanu idinka xigno wax aydaan ogolaateen sidee baad anaga nooga dalbataan, markaa taas oo qudha suurtagelinteedu maxay tahay sababta loogaga baahan yahay xabad joojin lagu heshiiyo iyo wada hadal, markaa waxaanu idin leenahay inta aynu intii karaankeen ah wada hadalo, isla markaana hadii ay inaga baahdo aynu isku dayno sidii aynu ummadda kale ee Itoobiya ugu bandhigi lahayn, sidaa darteed inaynu xal caynkaas ah raadino maahee meesha kuma jirto inaanu wixii idinka oo qudha idiin dan ah ku mashquulo ma aha. Ta kale fekradda leh Ereteriya waa dal ka gooniya Itoobiya anagu ma aaminsanin, isla markaana mawqifka ah Ereteriya waa inay Go’do anagu wax wada hadal ah ka geli mayno", laakiin sidaa markii aanu ku nidhi ayey hadana noo soo celiyeen jawaab ah, "Mar hadii ay sidaa tahay wax keliya ee aynu ku kala sed-qaadaynaa waa qori caaradii".
Hase yeeshee sidaa kumaanu daynin ee waanu sii wadnay nabad-raadinta waxaanuna mar kale u diray nin la yidhaahdo Iyurusaalem oo Ereteriya u dhashay, wuxuuna muddo badan gudoomiye ka soo ahaa mab-cad ku yaal magaalada Qudus, laakiin beri dambe oo ay xanuuno iyo da’I isugu darsameen ayuu dalka dib ugu soo laabtay, kana shaqo galay maamulka kaniisadda Sinoodos, dabadeedna markii aanu ergada u dirnay inta uu urursaday niman uu is lahaa arinta waxba kaala qaban karaan, wuuna u tegay...
La soco cadadka dambe.
Top
Beckham oo gabadhiisu ka baayacday naadiga Inter Milan |
Madaxweynaha naadiga Inter, Massimo Morrati oo sheegay inuu tixgelinayo inuu heshiis la galo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man. United, David Bechkam, ayaa toddobaadkii hore la sheegay inuu ku biiray naadiga Inter, sida ay qortay jariirada "Ilmessagero". Haddaba sida ay shalay qoreen jariirado kale ayaa xaqiiqada u dhow jariiradaasi oo yidhi markii ay la kulantay gabadha Beckham mrs Victoria Beckham, Madaxweynaha Inter Milan, mr. Morrati inay ka wada hadleen iibka David Beckam inay gabadhiisu dhammaynayso haddii uu Madaxweynaha Inter guri ay degaan oo ay iskood u yeeshaan ka siinayo caasimadaha Talyaaniga. Sidaasna waxa qortay jariirada todobaadlaha ah ee "Controcampo."
Waxa uu yidhi madaxweynuhu; David Beckham waa qaali qiimihiisu, laakiin waxa uu caddeeyay in dadku la yaaban yihiin kulanka gabadha Beckham uu kula kulmay socdaalkeeda, waxaanu sheegay in gurigaasi aad qaali ugu yahay, iyadoo Beckham uu yahay ciyaar yahan weyn oo u dhashay dalka Ingiriiska, ayuu sheegay Morrati inuu aad u jecel yahay ciyaaryahanada Ingiriiska ah.
Top
Patrick Vieira ma ciyaari doonaa ciyaarta Valencia |
Tabobaraha Arsenal, Mr. Arsene Wenger ayaa sheegay inuu fure ay champion-ka ugu baxaan yahay Vieira.
Tabobaruhu wuxuu ku sababeeyay kabtanka kooxda Arsenal, naadigiisa oo aan ilaa December 2002 laga badin, sababta ugu weynina tahay Vieira oo ka maqnaa, taasina waa sababta uu u rajaynayo inuu ku caafimaadayo muddadaas, isagoo sheegay inuu baadhi doono inuu ciyaari karo iyo inkale, laakiin uu jecel yahay inuu ciyaaro si uu quarter-final ugu baxo.
Top
Hector Cuper oo sheegay inuu Crespo caawa ciyaari doono |
Ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentina, Hernan Crespo ayaa ciyaari doona ciyaarta caawa ee Champion League-ga "Group A", ciyaartaas oo ay la leedahay kooxda Jarmalka ah ee Bayer Leverkusen, ciyaartaasna waxa lagu ciyaarayaa Jarmalka.
Sidaasi waxa shaaca ka qaaday Hector Cuper, waxaanu intaa ku daray liiska 20-ka ciyaartoy ee u safanaya ciyaarta habeen dambe.
Crespo oo dhaawacnaa ilaa 12-kii jenuary 2003, oo aan naadiga u ciyaarin muddo 54 maalmood ah una fadhiyay dhaawac jilibka midig ka gaadhay ciyaartii League-ga Talyaaniga ee ay San Siro kula ciyaareen naadiga Medona.
Haddaba naadiga Inter Milan oo horyaalka Yurub noqday laba jeer, ayaa u baxaya quarter final haddii ay ka badiyaan kooxda Leverkusen, iyadoo qirin-qiir ku jirta, dhibta labaad ee jirtaana ay tahay rajadooda oo ku xidhan ciyaarta ay isku waqtiga yihiin ee ay wada ciyaarayaan labada kooxood ee ay isku Group-ka yihiin ee Barcelona iyo Newcaslte, iyagoo kala leh:
Inter (8 dhibcood)
Newcastle (7 dhibcood)
Tabobaraha Inter ayaa xoogeeyay afka hore ee weerarka kooxdiisa, isagoo safaya Crespo, Vieri iyo Alvaro Recoba-ba.
Top
|