Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 295 March 27, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Xuska maalinta Qaaxadda (TB) Xassan Cumar Xagaa, Boorama TB-Programme

Waftigii Kulmiye Maxay Kala Soo Kulmeen Socdaalkoodii Salaxley Iyo Bali-Gubadle

Shir-Gudoonka Wakiillada Iyo SalaaDiin Somaliland Ah Oo Kulan albaabadu U Xidhan Yihin Ka Yeeshay Ajandaha Doorashada Guurtida

Guuldarada ay Ciraaq Baday Ciidamada Xulafadda Ingiriiska iyo Maraykanka

Garta Xeer Beegti

Dil-Dilaacii Waa Bug Cusub Oo ka Hadlaya taarikhdii Mangistu Waxaanaqoray Ganat Ayaale Aanbase Waxaa Turjumay Muuse Shoodhe

Jilba Dhiig


BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Yaa Aabo U Ah Sicir-Bararka Qarxay?

Boqolka Doollar ee lacagta Maraykanka ayaa dhawrkii maalmood ee ina dhaafay suuqyada magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka kale ee Somaliland gaadhay heerkii ugu sareeyay ee sarrifka lacagaha qalaad, taas oo boqolka doollar maalintii u shalay lagu sarrifayay 750, 000 (toddoba boqol konton kun) oo shillinka Somaliland ah, laakiin dorraad oo kale wuxuu boqolka doollar gaadhay 800,000 Sh. Sl (Sideed boqol oo kun).

Sidoo kale, waxa iyaguna cirka isku shareeray badeecadaha ganacsiga cuntooyinka quutal-daruuriga ah. Sidoo kale, waxa kordhay qiimaha shidaalka iyo noolka lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee Basaska. 

Run ahaantii, sicir-bararka cirka u baxay ee ka qiiqay magaalooyinka Somaliland, waxa uu si weyn u saameeyay nolosha dadka, taas oo ay nolol ahaan si ba’an uga qayliyeen dadweynuhu, gaar ahaan dadka danyarta ah ee saboolka ah. Laakiin tafaasiil dheeraad ah lagama bixin, sababta ay mar qudha qiimaha sarrifka doollarka iyo badeecaduhu cirka isugu shareereen.

Waxyaabaha ay dadka baayac-mushtarka ahi ku dooddaan in ay keeneen sicir-bararkan waxa ka mid ah; dagaalka ka socda dalka Ciraaq oo ay leeyihiin oo ay sheegayaan inuu yaraanayo shidaalku, laakiin su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay qiimaha doollarka suuqyada dunida ma hoos buu u dhacay mise kor ayuu u kacay? Iyadoo la ogyahay inuu dhaqaalaha Maraykanku muddo shan maalmood ah oo uu dagaalku socday hoos u dhacay in ka badan 13 bilyan oo doollar.

Marka laga hadlayo sicir-bararka qiimaha doollarka iyo sababta keentay waxyaabaha kale ee la isla dhexmarayo in ay dawladdu lacagta shillinka Somaliland ah oo cusub suuqyada ku soo daysay, iyadoo urursanaysa lacag adag, taasina ay keentay in qiimaha sarrifka doollarku cirka u baxo. 

Laakiin, inkastoo wararka qaar leeyihiin , waa run oo dawladdu lacag cusub oo shillinka Somaliland ah ayay suuqyada ku soo daysay, haddana waxa intaa dheer kooxo ganacsato ah oo isugu jira sarriflayaasha suuqa xorta ah iyo qaybo ka mid ah ganacsatada badeecadaha oo si firfircoon ugu lug leh inuu qiimaha sarrifka doollarku ee cirka shareero, kuwaas oo sida la sheegay khibrad u leh siday mar qudha kabriid loogu qabto sarrifka doollarka. Taas oo la leeyahay, waxay qayb ka tahay xirfadaha ganacsiga ee sida degdegga ah looga macaasho.

Sidaa awgeed, waxay wararku leeyihiin ganacsatada caynkaas ahi iyaga oo ka faa’iidaysanaya lacagta shillin Somalilandka ee la leeyahay dawladda ayaa suuqa ku soo daysay ayay subax qudha sacabada isugu dhufteen qiimaha sarrifka doollarka iyo badeecadaha kaleba, taasina waxay keentay in ay lunto xasinoolidii ganacsigu.

Arrintu siday doontaba ha ahaato, marka laga yimaado saamaynta uu dagaalka Ciraaq ku yeeshay nolosha iyo dhaqaalaha dunida aynu ka mid nahay laba sababood ayay dadku tuhunsan yihiin in ay door firfircoon ka ciyaartay ama ka ciyaarayso sicir bararka cirka u baxay. Taas oo ay midi tahay, lacag shillin Somaliland ah oo ay dawladdu suuqa ku sii daysay, iyo ta labaad oo ah kooxo ganacsato ah oo arrinta uga faa’iidaysanaya fursado ganacsi, laakiin arrinta isweydiinta lihi waxay tahay, maxaa arrintan looga aamunsan yahay oo ay ugu horeyn dawladdu wax uga qaban wayday, mise...

Top


Xuska maalinta Qaaxadda (TB) Xassan Cumar Xagaa, Boorama TB-Programme

Maanta oo bisha March tahay 24 waxa adduunka oo dhan laga xusayaa maalinta kahortagga dhibaatada cudurka Qaaxadu (TB) uu ku hayo dunida, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay masiibo soo noqnoqonaysa oo leh wejiyo cusub, inkastoo xannuunkan la isku dayay in la xakameeyo lana moodayay in la tirtiray, haddana weli dhibaatadiisu way jirtaa.

Waa dhab inay tahay in loo helo dawooyin, balse si kasta ha ahaatee weli lama joojin waxayna dhakhaatiirtu sheegeen in ay jiritaankiisu sabab u yihiin laba arrimood oo kala ah; a) Xannuunka AIDS-ka oo gabaad u noqday xanuunka TB-da iyo b) Dadka xannuunkan qaba oo aan si fiican oo dhammaystiran u qaadanin dawooyinka.

Arrimahani waxay sababeen in dunida ay ku nool yihiin dad dawada googooya iyo adkaysi ay u yeeshaan xannuunka.

Qiyaas ahaan waxa dunida maanta ka jira ilaa 75 milyan oo qof oo xannuunkan qaba, haddii uu faafitaankiisu sii dhexgalo dunidana waxa dhici karta in dawo kasta oo loo keeno qofka buka aanay waxba u tarayn, waxaana dhici karta in dadyowga dunidu ka lug-bixi waayaan.

Culimada dawooyinkuna waxa dhacaysa inaanay u helin daawo kale haddii tan maanta dunidu isticmaashaa waxba u tari weydo, waxa markaa mudan in la is xasuusiyo dhibta xannuunkan TB-da kasoo socota, isagoo kaashanaya cudurka HIV Aids.

Laanta caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa daraasad ay samaysay lagu ogaaday in TB-da la xakamayn karo haddii la isticmaalo barnaamijka POTS oo ah in qofka xannuunka qabaa dawada ku qaato shaqaalaha caafimaadka hortooda, waana in lagu sameeyo dabogal ku saabsan hadba xaalka bukaanku sida uu yahay, haddii sidaa lagu dhaqmana waxa hubaal ah in laga guulaysan karo xannuunka TB-da. Isla markaana waxa loo baahan yahay inay isbaadhaan dadku, dawadana ay ku qaataan meelaha loogu talogalay oo aanay ka qaadan dawada meelaha aan loo talogelin, isla markaana waa inaanu daawada googooynin, waxaana la yidhaa daawada Qaaxadu (Ha I taaban ama ha iga tegin).

Maanta oo ay bisha March tahay 24 waa in la xasuusto xannuunkaasi, si inta ka badbaaday ay iskaga ilaaliyaan, inta uu hayaana daawada u ilaashadaan, una qaataan sida ku haboon.

Xasan Cumar Xagaa
Boorama (TV Programme).

Top


Waftigii Kulmiye Maxay Kala Soo Kulmeen Socdaalkoodii Salaxley Iyo Bali-Gubadle

"Sicir bararka waxa inoogu wacan wasiir" Axmad Silaanyo

Hargeysa (Haatuf) wefti ballaadhan oo uu horkacayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay socdaalo la xidhiidha ololaha doorashada madaxtinimada ku galaa bixiyey deegaamada Sallaxley, Balli-Gubadle iyo Deegaamo kale oo hawdka Hargeysa ah.

Weftiga KULMIYE deegaamada ay booqdeen waxay khudbado uga jeediyeen dadweynaha meelahaa ku dhaqan, iyaga oo uga waramay barnaamijkooda siyaasadeed iyo waxyaalaha ay damacsanyihiin inay guud ahaan iyo gaar ahaanba qabtaan haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada Somaliland ee la filayo inay dhacdo badhtamaha bisha April ee fooda inagu soo haysa.

Sida ay ku warameen weriyayaal la socday weftigaa dadweynaha deegaamadaasi si balaadhan ayey u soo dhaweeyeen weftiga KULMIYE, laakiin weftigan oo salaadii hore ee shalay ka bixitimay magaalada Hargeysa waxay ku horeeyeen degmada Sallaxley, halkaas oo ay dadweynaha deegaankaasi si weyn u soo dhaweeyeen, iyada ay weftiga KULMIYE gudoomiyaha ka sokow ka mid ahaayeen xubno ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga.

Weftiga KULMIYE meel fagaare ah ayey kala hadleen dadweynaha reer Sallaxley, iyaga oo ugu horeyn uga mahad naqay sida balaadhan ee ay u soo dhaweeyeen, waxayna weriyayaashu sheegeen inay soo dhaweyntii shalay aad ugu balaadhnayd tii ay xisbiga KULMIYE iyo hogaamiyahooda ku soo dhaweeyeen markii lagu jirey ololaha doorashada golayayaasha deegaanka ee dabayaaqadii sanadkii hore.

"Sicir bararka waxa inoogu wacan wasiir badan oo aan qaarkood wasaaraddo-ba lahayn, kuwaas oo la doonayo inay soo ururiyayaan waraaqaha foodka," sidaa waxa yidhi Axmed Siilaanyo oo dadweynaha reer Sallaxley kala hadlaya meel fagaare ah, laakiin Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inuu isagu yahay nin khibrad u leh furdaaminta iyo wax ka qabashada mushkiladaha dhaqaale, sidaa darteed ay barnaamijka ugu jirto inuu wax ka qabto dhibaatooyinka dhaqaale haddii uu ku guulaysto hogaanka dalka.

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay arrimo badan oo dhinaca siyaasadda iyo maamulka ah, isaga oo xukuumadda ku tilmaamay inay dafirto ama iska indho-tirto waxyaalo ay ka mid yihiin xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo aan beryahan qurux badnayn, ciidamada dhinaca Puntland ka soo talaabay ee la sheego inay fadhiyaan meelo ka mid ah gobolka Sanaag iyo guud ahaan duruufaha ka jira bariga Somaliland iyo sidoo kale xeebaha galbeedka Somaliland oo Axmed Siilaanyo ku tilmaamay inay ka jiraan duruufo maamul iyo siyaasadeed oo aan la iska indha tiri karin.

Waxa kale oo iyaguna fagaaraha Sallaxley ka hadlay xubno ay ka mid yihiin Maxamed Baaruud, Maxamed Iid Dhimbiil iyo Canab Cumar Ileeye.

"Beesha Sallaxley iyo beesha Galbeedka Hargeysa waxa lagu yiqiinay inay si dimuqraadiyad ah dadka u kala raacaan, laakiin reer Sallaxley taa waad bedesheen, soomaaliduna waxay tidhaahdaa hashu haddii ay labada dambe habeed ku leedahay waa ged lagu yiqiin haddii ay labada hore ku leedahayna waa ged cusub" sidaa waxa tidhi Canab Cumar Ileeye.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay Marwo Fatxa Cali oo ka mid ah madaxda KULMIYE ee Deegaanka Sallaxley waxaanay dadka reer Sallaxley inay taageeraan xisbiga KULMIYE iyo hogaankooda.

Maayar xigeenka Sallaxley oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay fagaarahaa ayaa hogaanka xisbiga KULMIYE ka codsaday inay ka caawiyaan alaabooyin ka dhiman mishiin laydhka ah oo magaalada yaal taas oo uu gudoomiyaha KULMIYE-na ka aqbaley inuu ka gacan ka siin doono.
Intaa ka dib weftiga KULMIYE waxay u sii gudbeen dhinaca degmada Balli-Gubadle halkaas oo lagu soo waramay inay dadweynaha deegaankaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyeen iyaga oo sida la sheegay kaga horyimid xaruntii ururkii SNM oo ku taalay meel dhawr Kiloo Mitir dhinaca bari ka xigta magaalada Balli-Gubadle, laakiin sidoo kale madaxda KULMIYE waxay dadweynaha reer Balli-Gubadle kala hadleen meel fagaare ah, iyaga oo ka waramay ujeedada socdaalkooda iyo barnaamijkooda siyaasadeed, "Haddii aad I doorataan oo aan ku guulaysto talada dalka xaruntii SNM, waxaan ka dhisi doonaa qayb ka mid ah madaxtooyada, oo noqota meel mar mar madaxweynuhu ku nasto, martida lagu soo dhaweeyo" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo isaga oo la hadlaya dadweynaha reer Balli-Gubadle.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ay ka mid yihiin Xuseen Axmed Caydiid, Cabdi Haybe iyo Maxamed Axmed Xirsi, sidoo kale qaar ka mid ah hogaamiyayaasha iyo waxgaradka deegaanka Balli-Gubadle ayaa halkaa hadalo ka celiyey, iyaga oo sheegay inay dooran doonaan hogaanka KULMIYE. Isla markaana waxay wararku sheegeen inay xisbiga KULMIYE uga mahad celiyeen booyado biyo ah oo ay dhawaan u direen deegamadaasi oo biyo la’aan iyo jiilaal ka jiro.

Ugu dambayn weftiga KULMIYE waxay socdaalo kuwaa la mid ah ku soo mareen deegaamo kale oo hawdka Hargeysa ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Gumburaha, Gumar iyo Meelo kale, waxayna wararku sheegeen inay guud ahaan dadka deegaamada ay socdaalada weftiga KULMIYE ay u muujiyeen yididiilo iyo dareen taageero, oo shilis.

Top


Shir-Gudoonka Wakiillada Iyo SalaaDiin Somaliland Ah Oo Kulan albaabadu U Xidhan Yihin Ka Yeeshay Ajandaha Doorashada Guurtida

Hargeysa (Haatuf): Subaxnimadii hore ee shalay waxa xafiiska guddoomiyaha golaha wakiilada ka dhacay kulan albaabku u xidhan yahay oo dhexmaray guddoomiyaha golaha wakiilada, Mudane Axmed Maxamed Aadan Qaybe iyo koox salaadiin ah.

Kulankaas oo qaatay qaddar saacad ku dhow, lama sheegin waxyaabihii lagaga hadlay, laakiin kulanka kadib waxa ay warar xog-ogaal ahi sheegeen inay kooxdaa salaadiinta ahi guddoomiyaha golaha wakiilada u keeneen qoraal ay kaga hadlayaan xeerka aan weli la ansixin ee horyaala golaha wakiilada, kaasoo sheegaya qaabka lagu soo dooranayo golaha guurtida Somaliland. Wuxuuna warku intaa ku daray inay salaadiintaasi qoraalka ay u keeneen guddoomiye Qaybe oo ay ku saxeexnaayeen 27 madax-dhaqameed oo isugu jira salaadiin, boqoro iyo ugaasyo ay ka dalbadeen inuu fadhiga golaha hordhigo si ay taageero uga helaan golaha wakiiladu kahor inta aanu ansixin xeerka oo wax laga beddelo mid ka mid ah madax-dhaqameedyada oo qoraalkaa gacanta ku siday oo uu kulankaa kadib la kulmay weriye ka tirsan Haatuf ayaa sheegay inay guddoomiyaha golaha wakiilada u gudbiyaan nuqul ka mid ah qoraalkaa oo ay kaga hadlayaan xeerka aan weli la ansixin ee lagu soo dooranayo golaha guurtida, waxayna salaadiintu qoraalkaa ku sheegeen inay diidan yihiin xubnaha uu magacaabayo madaxweynuhu, taasoo ay sheegeen inay madax-dhaqameedyada xaq u leeyihiin inay yeeshaan awooda keenista xubnaha golaha guurtida uga qaybgalaya beelaha, isla markaana waxay salaadiintu sheegeen in aanay macquul ahayn saami-qaybsiga beeluhu oo ay hore u jireen beelo saluugsanaa saamigii beelnimo ee ay heleen iyo kuwo aan saami ku lahayn kuraasta golaha guurtida.

Taasina ay tahay arrin u baahan in loo helo xal kahor inta aan la ansixin xeerkaa soo jeedinta ah ee golaha horyaal. Waxa kaloo ay salaadiintu xuseen inay qoraalkaa nuqul ka mid ah u gudbin doonaan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa oo soo jeedinta xeerkaasi ka yimi.

Dhinaca kale, fadhiga mudanayaasha golaha wakiilada ee shalay ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay, waxaana la filayaa in xeerkaas oo ku maqnaa guddida shuruucda ee golaha wakiilada oo dorraad loo qaybiyay mudanayaasha kadib markii ay guddidaasi wax ka beddel ku sameeyeen uu goluhu gudo-galo doodiisa. Laakiin mudane Qaybe markii uu kasoo baxay kulankii dhexmaray salaadiiinta wuxuu si deg-deg ah u fadhiistay kursiga shir-guddoonka ee golaha, wuxuuna saxaafadda iyo marti-sharafta ku wargeliyay inay dibedda uga baxaan, laakiin waxyar kadib markii ay mudanayaashu soo dareereen, waxaanu wax ka weydiinay qaar ka mid ah mudanayaasha, laakiin waxay sheegeen inay ka hadlayeen sidii loogu dhaqmi lahaa anshaxa xeerka golaha wakiilada. Hase yeeshee, waxa ay qaar ka mid ah mudanayaashu tibaaxeen in xeerkaas golaha guurtida oo la filayo inay ka dhalato dood kululi maanta ay guda-galaan mudanayaashu.

Top


Guuldarada ay Ciraaq Baday Ciidamada Xulafadda Ingiriiska iyo Maraykanka

Baqdaad (W. Wararka): Ugu yaraan 25 ka tirsan askarta Maraykanka, ayaa lagu dilay, ilaa konton kalena gacanta ayaa lagu dhigay, kadib markii ay dagaalo ba’ani maalintii shalay ka dhaceen hareeraha degmada Al-Naasiriya ee u dhow xuduudka dalka Ciraaq la leeyahay Kuweyt.

Wararku waxay sheegayaan in dagaaladani ay ahaayeen kuwii ugu ba'’naa ee dhexmara ciidamada Xulafada iyo kuwa reer Ciraaq ee difaaca dalkooda ku jira.

Wararku waxay intaa ku dareen in ciidamada Ciraaq ay weerarka xulafada sutida u qabteen, iyadoo ay dagaalka ka qayb qaateen ciidamada gaarka ah ee Ilaalada Jamhuuriyadda (Xarsal Jamhuuri), balse wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadaasi aanay weli ka qaybqaadan dagaalka ee waxa khasaaraha u geystay xulafada ay yihiin ciidamada caadiga ah ee Ciraaq. Khasaarahani, waa kii ugu ba’naa ee ilaa iyo hadda soo gaadha ciidamada xulafadda oo qirtay guuldarada ka soo gaadhay dagaalka Al-Naasiriya.

Telefiishanka Ciraaq ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya askarta la laayay iyo kuwa maxaabiis ahaanta loo qabtay, iyadoo kuwa dhintay uu ka muuqday muuqaalo argagax leh oo muujinaya difaaca adag ee ay la kulmeen. 

Qaar ka mid ah kuwa maxaabiista ah oo la wareystay, ayaa ka waramay siday xaaladoodu ahayd markii la qabtay iyo goobaha ay ka dagaalamayeen. 

Dawladda Maraykanka, ayaa qiratay guuldaran soo gaadhay ciidamadooda, iyadoo Madaxweynaha Maraykanku, George W. Bush ugu baaqay dawladda Ciraaq in ay maxaabiista ula dhaqanto sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah ee ka hadlaya sida loola dhaqmayo maxaabiista dagaalka, wuxuuna ku calaacalay in ay meel-ka-dhac tahay in maxaabiistaa iyo kuwa la laayay sawiradooda laga sii daayo warbaahinta caalamka, ilaa inta qoysaskoodii laga wargelinayo.

Dawladda Ciraaq, ayaa iyadu sheegtay dhinaceeda in ay maxaabiista ula dhaqmi doonto si haboon oo waafaqsan xeerka Caalamiga ah, waxaanay xanaano iyo dawooyin u fidisay maxaabiista dhaawaca ah ee ay gacanta ku dhigeen.

Arrintani, waxay ka dambaysay iyadoo isla shalay ay ciidamada cirka ee Ciraaq dhulka soo dhigeen diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Ingiriisku, iyadoo gacanta lagu dhigay mid ka mid ah duuliyayaashii diyaaradaas oo ah nin iyo habeenay kaaliso u ahayd.

Wararka ka soo baxaya ciidamada Ciraaq, ayaa sheegaya in diyaaradaha ay soo rideen ka badan yihiin mida ay Ingiriisku qirteen, iyadoo la sheegay in ay jirto diyaar kale oo la waayay, taas oo ay warbaahinta reer Galbeedku ku sheegeen inuu ku dhacay gantaal ay riday dayaarad Maraykan ahi.

Warar kale ayaa sheegay in ay cutubyo ka tirsan ciidamada xulifada Ingiriiska iyo Maraykanku ku go’doonsan yihiin jiidaha Al-Naariya, laakiin ilaa hadda warar faahfaahsan lagama hayo waxa ay ku dambaysay xaaladda ciidamadaa go’doonka ah.

Ka hor arrintan waxa ka hadlay dagaalka iyo halka uu marayo Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq, Daaha Yaasiin Ramadaan oo ay Xulifaddu hore u sheegeen in ay dileen, waxaanu si ba’an u cambaareeyay weerarka xulifada, isagoo ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inuu iska daayo daba-dhilifnimada oo uu ka run sheego hawsha uu hayo. Waxa kale oo isna ka hadlay arrintan Wasiirka Warfaafinta ee Ciraaq, Maxamed Siciid Al-Saxaaf, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; "Kuwa soo weeraray Ciraaq, waxaanu u sheegaynaa in aanay iyagoo nool ka baxayn gudaha dalka Ciraaq, ayna la kulmi doonaan abaalka ay mutaysteen."

Waxa kale oo ay maalintii shalay dagaalo ba’ani ka socdeen aaga magaalada istaaraatijiga ah ee Umal-Qasar oo ay ciidamada Xulifadu hore u sheegteen in ay qabsadeen Sabtidii, laakiintiinse waxay ay difaac adag kala kulmeen ciidamada Ciraaq oo si lama filaan ah gaashaanka ugu daruuray weerarada xulifada. Ciidamadaas oo uu hogaaminayo Sarkaal ay hore u sheegteen ciidamada Xulifadu inuu isu dhiibay, magaciisana la yidhaahdo Al-Haashimi, waxaanay wararku sheegayaan inuu dagaalkaasi socday ilaa saacadihii dambe ee xalay, waxaanay intaa ku dareen wararkaasi in ay ciidamada Xulifadu iska caabiyi kari waayeen ciidamada Ciraaq oo ku hubaysan Dibaabado iyo taangiyo, isla markaana waxa ay sheegeen ciidamada xulifadu in ay dalbanayaan diyaaradaha duqeeya tawaangida iyo dibaadaha.

Dhinaca kale, magaalada Suleymaaniya ee ku taal waqooyiga Ciraaq ay Madaarka diyaaradaha ee magaaladaasi ay duqaynayaan diyaaradaha Xulifadu.

Ta kale, aaga waqooyiga Ciraaq ee xigta dhinaca Turkiga oo uu Maraykanku hore u sheegay inuu 62,000 (laba iyo lixdan kun) oo ciidankiisa ah ka dejin doono, ayaanay taasi ilaa hadda suurtogelin, kadib markii uu khilaaf xoog lihi ka dhex aloosmay Turkiga iyo Maraykanka. Khilaafkaas oo ka dhashay Markii ay dawladda Turkigu sheegtay in ay ciidamo u dirayso Waqooyiga Ciraaq, iyadoo ilaashanaysa masaaliix ay ku leedahay deegaamadaa, laakiin waxa taa ka horyimid Kurdiyiinta reer Ciraaq ee Waqooyiga Ciraaq deggan, kuwaas oo sheegay in aanay ciidamada Turkigu soo gelin doonin deegaamadooda. Sidoo kalena, Maraykanka ayaa diidmo kala horyimid qorshaha dawladda Turkiga ee ah in ay ciidamadeedu galaan waqooyiga Ciraaq, taasina waxay xaalad murugsan oo u muuqata in lagu kala dhaqaaqay ka dhex abuurtay Maraykanka iyo Turkiga.

Waxa kale oo habeenkii shanaad socday duqeyntii ay xulifadu ku hayeen magaalada caasimadda ah ee Baqdaad, iyadoo aanay caddayn inta uu khasaaruhu le’eg yahay.

Dhinaca kale waxa dalka Afgaanistaan ku burburtay diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Maraykanku, waxaana halkaa ku dhintay lix askari oo Maraykan ah, hase yeeshee wararku ma sheegin sababta keentay burburka diyaaradaa, iyadoo ay maalmihii ina dhaafay buuraleyda Toora-Boora ee dalka Afgaanistaan ka socdeen dagaalo hub culis la is dhaafsaday oo dhexmaray Ciidamada Maraykanka iyo dagaalyahanka isku dhafka ah ee Daalibaan iyo Al-Qaacida.

Gaas Maraykan ah oo lagu weeteeyay badhtamaha koonfurta Ciraaq
Wararka ka imanaya badhtamaha Koonfurta Ciraaq ayaa sheegaya in Gaas Ciidamada Maraykanka ah, lagu weeteeyay kadib markii ay gaadh ka qabteen ciidamada Ciraaq oo difaac adag u dhigay. Ciidamadaas oo doonayay in ay hore u sii galaan gudaha Ciraaq.

Sida ay wararku sheegeen Gaaskaa Ciidamada Maraykanka ilaa haatan waa go’doon, iyadoo ay go’doomiyeen ciidamada Ciraaq, ilaa iyo haatana ma sugna xaaladoodu halka ay marayso iyo halka ay ku dambeeyeen.

Umal Qasar oo askarta Ciraaq sutida u hayaan Ciidamada Xulafada
Weerarkii ay Ciidamada xulifadu ku hayeen magaalada Dekedda ah ee Umal-Qasar, ayaa hakaday kadib markii ay difaac adag kala kulmeen ciidamada Ciraaq oo si lama filaan ah jilibka ugu dhigay weerarka xulafadda oo doonayay in ay qabsadaan oo ay gacanta ku wada dhigaan magaaladaas, iyadoo ay hore u qabsadeen ciidamada xulifaddu qaybo ka mid ah magaaladaas, balse ay dib uga qabsadeen ciidamada Ciraaq oo ku khasbay ciidamada xulifadda in ay dib uga gurtaan gubaha ay qabsadeen.

Askari Maraykan ah oo weeraray xarunta taliska gaaska 101aad ee Maraykanka.

Hal askari oo Maraykan ah, ayaa ku dhintay ugu yaraan 12 kalena oo lix ka mid ahi ay khatar yihiin ayaa ku dhaawacmay kadib markii askari Maraykan ahi uu banbaano kuwa gacanta laga tuuro ah ku weeraray xarunta Gaaska 101aad ee Ciidamada Maraykanku ay ku leeyihiin dalka Kuweyt. Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay ninka askariga ah ee weerarka geystay oo ka tirsan qaybta ciidanka Cirka ee Maraykanka, lama garanayo sababta uu u geystay weerarkan, balse waxa socda baadhitaan lagu ogaanayo wixii ku kelifay weerarka, balse Saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka, ayaa sheegay in ninkaasi uu ahaa nin maskaxda wax uga dhimman yihiin, isla markaana aanu dhaqankiisu haboonayn. Balse warar kale oo madaxbanaan ayaa sheegaya in ka hor weerarkaa uu ninkani geystay uu xarunta ku soo dhacay gantaal laga soo riday dhinaca Ciraaq, taasina ay keentay fowdo iyo khalkhal ku dhaca ciidamada Maraykanka, taasina ay sababtay in ninkani uu khalkhalsani uu weerarka geysto.

Tani waa markii ugu horeysay ee ciidamada Maraykanka dhexdooda uu weerar ka dhaco, tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka Ciraaq lagu weerarayo.

Diyaarad laga soo riday Ingiriiska
Sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadley wasaaradda gaashaandhiga ee Ingiriiska diyaarad nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Ingiriiska ayaa dhulka la soo dhigay iyada oo dulmaraysa hawada dalka ciraaq gaar ahaana iyada oo hawl duqayn ah ka wada magaaladda Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Sida ay xaqiijiyeen wararka soo baxaya Ciraaq diyaaradaasi waxa dhulka soo dhigay ciidamada difaaca cirka ee Ciraaq, iyaga oo adeegsaday gantaalaha lidka diyaaradaha waxana la sheegay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah labadii duuliye ee diyaaradaasi oo la helay isaga oo ku dhuumanaya keyn duleedka Baqdaad ah, oo dhinaca ku haysa webiga Furaat.

Wararku ma xaqiijin halka uu ku dambeeyey duuliyihii kale ee diyaaradaasi, iyada oo wararka qaarkood ay sheegayeen in gacanta lagu dhigay saacadihii dambe, balse ilaa hadda taasi may xaqiijin ilo madax banaani.

Taliyaha Aaga Basra Oo Beeniyey In Ciidamadiisu Is-Dhiibeen
Taliyaha Aaga Basra ee ciidamada Ciraaq ayaa beeniyey in ciidamadiisu ay is-dhiibeen sida ay sheegteen ciidamada xulafadu waxaana la sheegay in iska caabin xoog leh ay la kulmeen xulafadu, ka dib markii ay sutida u qabteen ciidamada Ciraaq, inkasta oo ay dagaaladu socdaan, haddana waxa la sheegay in khasaare badan oo dhinaca shicibka ahi uu ka dhacay magaaladaasi, iyada oo ay dhimashada iyo dhaawucuba aad u badan yihiin, ka dib markii ay duqeyn ba’an u geysteen xulafadu, iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka iyo sawaariikhda ridadoodu ay dheertahay.

Mudaaharaado Laxaad leh oo lagaga soo horjeedo dagaalka lagu hayo Ciraaq oo ka dhacay dunida
Dalal badan oo ka tirsan caalamka ayey ka dhaceen mudaaharaado laxaad leh oo lagaga soo horjeedo weerarka ay xulafadu ku hayso Ciraaq iyadoo ay iskugu soo baxeen kumanaan dad ah oo gadoodsani, iyada oo ay dalalka qaarna ay ka dhaceen rabshado dhexmarey ciidamada amaanka iyo dadweyne gadoodsani.

Meelaha ay mudaaharadadii ugu dambeeyey ka dhaceen shalay waxa ka mid ah dalalka Sudan, Afqaanistaan, Suuriya, Pakistan, Australia, Indonesia, Vietnam, Ingiriiska, Italy, Bangladesh, Korea iyo meelo kale oo dunida ah gaar ahaana dalalka Islaamka, oo ay arrintani cadho xoog leh ka abuurtay.

Top


Garta Xeer Beegti

Nimankii iyaga oo murmaya ayuu Ina Kulunbe Berbera-diisii iskaga noqday, laakiin qoladii reer Burco ayaa sharad iyo sharad isku dhigtey oo ka daba tegay Ina Kulunbe si uu markhaatiga ugu kala furo, wuxuuna meel gole ah ka yidhi "Reer Berbera waydinkii lahaa ragga Burco ayaa kaa wanaagsane ogaada inay aniga ra’yi iga martiyayaan", ka dibna nimankii sharadka isku dhigtay ee isula yimid wuxuu ku yidhi "Waar garta labada waxar way hawl yartahaye Burco iskula noqda" halkaas ayuuna sheekadii ku xidhay.

Sheekadan lafteedu waxay inoo cadeynaysaa in kaftanku yahay gar, laakiin waa garaha dadban ee aanay dadka badidiisu fahmi karin.

Garta Muslax haddii aynu tusaalayaal iyadana ka bixino, waxa jiray ama dhacday gabadh qurux badan oo godan ka bax ah lana odhan jiray Maydhan, gabadhaas nin waliba wuxuu is-yidhi Allaylehe taasi adiga ku yeeli mayso, ragga qaarna markii ay arkeen waxay is-yidhaahdeen koleyba tan waa la qabaa, laakiin iyada lafteedu markii inan ragba agteeda ka waashay waxay is-odhan jirtay tolow maxaa raggu kugu arkay ee mid qudhi kuula hadli waayey.

Dhinaca kale gabadhaa reerkooduna waxay ku xisaabtami jireen inay gabadhooda Maydhan yarad buuran u goynayso, oo haddii ay cidi ay guur ugu soo gole fadhiisato ay arrinta yaradku noqonayso afkaa-dhabasho iyo waxay qabsadaan. Muddo ka dib Maydhan aabaheed iyo nin ay qaraabo yihiin, isla markaana yaraantoodii saaxiib ahaayeen oo isku soo kacaameen, laakiin intii ay waaweynaadeen ay kala tasoobeen ayaa maalintii dambe is-helay ka dibna waxay arrintoodu noqotay "Gacal kala maqnaan jirey iyo geeluba way isku ololaan."

Waqtiga ay is heleen waxay labaduba ahaayeen geel jire, ka dibna nabdaado qurux badan markii ay is-dhaafsadeen ayaa war duleed la kala bogtay, waxa la iska waraystay tikaad iyo tows abaareed wixii jirey, waxa kale oo la iska waraystay nabad iyo khoof wixii jirey. Intaa ka dib hoos-baa la iskula dhaadhacay, iyada oo ay sheekadu noqotay hebel ka waran, heblaayo ka waran, heblaayo yey u dhaxday, hebel yuu ka guursaday, adigu maxaad ubad iyo adduun haysaa. Waxyaalaha markii la iska waayo waraystay ee sheekooyinkii duleed iyo kuwii hooseba la dhamaystay ayaa Maydhan aabaheed lagu yidhi "Oo reerka wax hablo ahi ma ku hadheen", wuxuuna ugu jawaabay "Inaadeer dhawr baa jooga", ka dibna isaga oo ninkii kale dhaqanka ilaalinaya ayuu yidhi "Inaadeer ta u roon magaceed", Maydhan aabaheedna wuxuu ugu jawaabay "Maydhan baa loogu yeedhaa" haddana wuxuu u celiyey "Inanka geela ila wada ayaan gabadh fiican u doonayey, inagana xidhiidhkeeniibay soo celinaysaa ee gabadhaa wiilka ii sii", Maydhan aabaheed-na wuxuu ku jawaabay "Inantaydu way iga talo qaadataaye, wiilkaagu ma kaa talo qaataa", kii kalena wuxuu ku jawaabay "Waar bal ninkaa daya, oo ma waxan kuula ekahay nin ubadkiisu talo dhaafo", haddana Maydhan aabaheed wuxuu yidhi "Xaash’e ma tihid, gabadhiina waan ku siiyee, iga gudoon", dabadeedna arrintii waxay ku dhamaatay hoo iyo gudoon. Intaa ka dib ninkii odayga ahaa wuxuu wiilkiisii ugu bishaareeyey oo uu ku yidhi "Aabe waatii balankeenu ahaa inaan gabadh kuu doono oo kaaga yarad bixiyo, ka dibna Maydhan oo ina hebel ah reer-na ka dhalatay baan maanta kuu doonay, isla markaana qorigeenii maadhiin yaraha ahaa iyo faraskiiba gabaati baan u bixiyey", wiilkiibaa dabadeed yidhi "Aabe hawraarsan", odaygiibaa isna yidhi "Aabe Gudoon waana inoo biyo gu’."

Dabadeed markii gugii la gaadhay ayey odaygii iyo wiilkiisii iyaga oo wada shan geel ah oo dhogor ah ayey u tageen Maydhan aabeheed, halkaas ayaa meherka lagu duugay, aqal-na loo dadbay, iyada oo habeenkaa loo kala tagey Maydhan iyo wiilkii la siiyey, si ay isu bartaan, waxaana la maray qaabkii ardaa dhig lahaan jirey, iyada oo hadalka lagu soo gunaanaday gabadha nagu dara iyo yeelnay. Ka dibna nimankii soo ardaa dhig tagey waxa lagu daray Maydhan oo tiicaysa iyo afar oo xoogga ka masa ah oo dhibaad ah.

Maydhan markii la guryo geeyey waxa loo weegaarey aqal laba daryaale ah oo bari u jeeda, halkaas oo galbiska iyo ciyaaraha dhaqanka loogu dabaal-degay, iyadoo loo dhigay bahal aroos ah oo la isku arkay, ka dibna markii ay todoba baxeen ayaa guryaha baal looga saaray oo meel xeryaha ka baxsan aqal looga taagey, muddo markii laga joogo ayaa niman ay ilma adeer yihiin wiilkii Maydhan guursaday waxa u yimid wiil ina abtigood ah oo cirka laga soo hindhisay (ragganimo dhaaf), magaciisana la yidhaahdo Duulane, isla markaana wuxuu uu wataa bahal faras ah oo sheegan, ka dibna wuxuu ilma abtiyadii ku yidhi "Walaahi naagtaa deyn maayo", sida caadadu ahaydna raggii hore been kuma dhaaran jirin.

La Soco Cadadka Dambe

Top


Dil-Dilaacii Waa Bug Cusub Oo ka Hadlaya taarikhdii Mangistu Waxaanaqoray Ganat Ayaale Aanbase Waxaa Turjumay Muuse Shoodhe

Mingistu: Inkasta oo aanu Jenaral Amaane ka filaynay inuu waxyaalo badan wax nalaga qabto, haddana ma jirin wax u na taray, isla markaana dhinicii aanu ka filaynay mooyee dhinac kale ayuu naga yimid oo dhibaato ayuu noo geystay. 

Dhinacayaga dedaalka aanu sameynay intaas oo kaliya kuma ekayn, ee meelo badan ayaanu dedaal xal raadin ah ka galnay. Tusaale ahaan dalalka carbeed ee caawimada siin jirey mucaaradka ayaanu isku daynay inaanu fahamsiino oo aanu kala hadalno arrinta sidii xal loogu heli lahaa, laakiin carabta weligoodba wuxuu falsafadooda iyo damacoodu ahaa inay Itoobiya cadaadiyaan isla markaana siyaasadooda dhul-balaadhsiga iyo biyaha webiga (Nile) waxa u sii dheeraa inay xoojiyaan kaalmada ay siinayaan cadawyadayada, iyaga oo siinaya lacag iyo hub lagu laynayo ummadda Itoobiya, sidaa darteed waxaanu damacnay inaanu fahamsiino oo ay ka taxadaraan wararka uga imanaya dhinaca keliya, oo ay ka waantoobaan weerarada cadawgayaga ee ay kula safan yihiin in Itoobiya lagu qaado.

Ka dibna mawqifkayaga arrintaa ku saabsan iyo waxyaalaha aanu doonaynaa arrimaha ay ku salaysan yihiin waxaanu u dirnay danjirayaashayadii noo fadhiyey dalalka Carabta, anaga oo isku dayeyna inaanu wada hadalo diblomaasiyadeed la yeelano dadka dalkooda jecel ee Ereteriyaanka ah, oo aanu ka dhaadhicino inaanay dalka iyo dadka Ereteriya wax faraq ka lahayn taariikhda iyo dhaqanka ummadda Itoobiya. Sidaa awgeed niman diblomaasiyiin ah oo karti u leh inay wax fahamsiiyaan dalalka carbeed ayaanu u dirnay kuwaas oo socdaalo ku soo marey dalalka carabta, iyaga oo ku dedaalay sidii ay u wanaajin lahaayeen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya carabta iyo Itoobiya, laakiin nasiib darro waxaas oo dhan oo dedaal ah waxa loo fasirtay in aanaan nabad jaceyl u jeedin ee aanu nahay niman daalay oo isa soo dhiibay, sidaa darteed dedaalkaana wax natiijo ahi kamay soo bixin. Sidaa darteed qolyaha carabta taariikhdu sida ay tahay in ay fahmaan oo ay dhanka xaqiiqda u soo noqdaan, isla markaana ay dariiqa nabadgelyada qaataan waxay qaadatay wakhti dheer, sidoo kale qolyaha kale ee ciidamada dagaalamaya waxaanu ku dedaalnay inaanu ku qancino inay iska daayaan arrinta ay halku dhega ka dhigteen ee ah inay dhamaystiran doonaan kaalintooda dagaal galka ah, oo ay wax walba dagaal ku dhamaynayaan, isla markaana ay miiska wada hadalada nala soo fadhiistaan oo aanu ka wada tashano sida mushkilada xal loogu helayo, taasina inkasta oo ay naga qaadatay dedaal fara-badan wax natiijo ah kamaanu gaadhin. Sidaa awgeed marka la eego labadayada dhinac (Dawladda iyo Mucaaradka) intayada wada dagaalamaysay oo keliya ma ahee dadka shicibka ahna dhibaatooyin aad u waaweyn ayaa la soo kulmay, markaa dedaaladii nabadeed ee aanu samaynay haddii aan laga soo qaadin wax aan jirin, xal nabadeed ayaa la gaadhi lahaa, anaguna taa waanu ku dedaalnay ee dhinacooda ayey ka suurtoobi weyday.

Siyaalo badan ayaa looga faaloon karaa heshiisyadii nabaddaynta ee na dhexmaray dhinacyadii dagaalka nagula jiray, laakiin cidda nala dagaalamaysay ee aanu heshiisyada nabadaynta la yeelanay Ereteriya oo keliya ma aha ee dalka dariska nala ah ee Soomaaliya heshiisyo ayaanu la yeelanay.

Soomaalidu si ay noola dagaalamaan waxay u soo galeen diyaar garaw badan, taas oo ay sidii ay dagaal noogu soo qaadi lahaayeen muddo 15 sanadood ah u soo diyaar garoobayeen, 

La soco

Top


Jilba Dhiig

Biixi ninkii uu mergiyada ku dhuftay ayuu tuurta u ritay isaga oo is leh ninku wuu gagabsanyahay’e ee intaad meel cidlo ah la tagto warayso, oo weydii xaaladda meesha ka jirta, laakiin markiiba naftaa ka haaday, ka dibna intuu qorigii uu sitay uu ka dul-qaatay ayuu colkii meel u dhaw ku gabaday oo uu xan dhageystay, wuxuuna maqlay iyaga oo af-soomaali si u yara badhxan ku hadlaya, hase yeeshee markii uu cabaar hadalkooda dhageystay ayuu hadalkoodii ka fahmay halka ay reerahoodii u guureen, isla markaana wuxuu sheekadooda ka gartay inay yihiin niman jabay iyo ku talo-galkooda berrito, taas oo ay ka sheekaysanayeen sida ay berrito duulaanka u qaadayaan iyo weliba hubka ay haystaan, sidoo kale wuxuu sheekadooda ka fahmay gurmadka u iman doona ee hiil iyo hooba siin doona, isaga oo halka ay reerahoodii jiraan ka gartay tilmaantii ay ka bixinayeen markii ay ka sheekaysanayeen halka cadawgoodu jiro. Sidaa darteed Biixi isaga oo tuurta ku sita qori qaaye leh oo uu ka dul-qaatay ninkii uu dilay ayuu halkii tilmaanta reeraha lagu sheegayey ku tibaday, ka dibna wuxuu sii guureeyaba goor habeen badh dambe ah ayuu ku soo baxay sanqadhii degmada, ka dibna intuu qunyar soo sanqadh-tirtay ayuu ku soo dhawaaday gaadhkii iyo kor-joogtadii reeraha dabadeedna markii matuulkiisa la arkay ayaa haan-saab gareeyey balse markiiba kor ayuu u qayliyey oo wuxuu yidhi "Waar waa ina Mooge....Waar Ina Mooge...", ka dibna wuu u soo galay waana la gartay, laakiin markii raggii soo dhex-galey ee si fiican loo gartay ayuu markiiba deg deg colkii u shiriyey oo uga waramay colkii uu soo arkay iyo sidii looga tashaday, isaga oo u sheegay in loo hub ciidan urursaday, wuxuuna yidhi "Waxay ku heshiiyeen in ciidanka laxaadkiisa, jidka sahaydu idiin soo marayso lagu gooyo, inta kalena laba loo qaybiyo oo ay labada qaybood midi dhinaca bari idinkaga dhufato ta kalena dhinaca galbeed, waxa kale oo qorshahoodu yahay inay si sanqadh la’aan ah oo gaade ah la idinku soo galo, ka dibna marka la idinku soo dhawaado la idin hareereeyo, sidaa darteed inta aanay inagu soo duulin waa inaynu kaga horeynaa oo aynu inagu galnaa."

Biixi waxa uu degmada yimid xili aad loogu baahanyahay dhalinyaro gaashaan qaad ah oo asagood iska celisa, sidaa darteed markiiba colkii ayuu wax ka horaan-qaaday iyadoo markiiba duulaan la lalabay, ka dibna cadawgii iyaga oo halkoodii fadhiya oo kala daadsan, isla markaana aan belaayo-ba burka ka filanayn oo iyagu doonaya inay berrito duulaan ayaa salaadii hore weerar gaadmo ah la geliyey, iyaga oo iska baraad la’ ka dibna inta dhinac walba lagaga dhuftay ayey noqdeen wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax cagaha wax ka deyey, isla markaana waxa laga furtay hub iyo saanad badan, intaa ka dibna gelin horeba iyada oo ay colkii Biixi guul xambaarsan yihiin ayey degmadoodii dib ugu laabteen, laakiin ismay dhigan ee markii ay guryahoodii tageen waxay bilaabeen tabaabulsho cusub oo ay ugu diyaargaroobayaan colaad kaga timaada nimankii dagaalku ka dhexeeyey, sidaa darteed wixii inan rag qori qaadi karayey debebadda reeraha ayey u baxeen, Biixina wuxuu hormood ka noqday raggii barbaartii aad loo tirsanayey ee gaashaan qaadka reerka ahayd sidaa darteed wuxuu ka mid noqday ragga colaada loo darbinayo.
Biixi markii uu muddo dhawr sanadood gaadheysa uu qorigu ku qalalay ee uu dhufeys ku jir ahaa, isla markaana ay isagii iyo qorigii isku engegeen ayey labadii beelood waan waani dhexmartay oo laga heshiiyey wixii dhacay, iyadoo wixii diyo ahna la kala qaatay, la iskuna dhaahiyey gabdho godob reeb ah, intaasi markii ay dhamaatay ayuu Biixi xusuustay wixii uu u socdey, ka dibna wuxuu go’aansaday inuu odaygii aabihii u sheegto dantii uu socday, ka dibna habeenkii dambe ayuu aabihii oo ardaa fadhiya soo ag-fadhiistay, waxaana halkaa ku dhexmaray woxoogaa haasaawe iyo iswareysi u badan.

Run ahaantii Biixi muddadii dhawrka sano ahayd ee uu reeraha joogay, inkasta oo ay ayaamo colaadeed ahayd aad ayaa loo bartay ilayn berrigii hore inan yar buu ahaaye, wuxuuna noqday nin aad looga hadal hayo bulshadii reer miyiga ahayd ee uu dhex-joogay, laakiin Biixi geesinimadii uu ka muujiyey dirirtii labada reer oo keliya lagu majeeran ee waxa kale oo uu noqday wiil laq-laq leh oo firfircoonidiisu aad uga dhex muuqatay golayaasha dhalinyarada, taasina waxay keentay inay hablaha beesha ee timaha tidcani farta isugu fiiqaan, iyaga oo marka ay sheekaysanayaan isku yidhaahda "Naa inankaasu waa hal doorka beesha, waana halyey geesi ah."

Run ahaantii mid waliba hoosta ayey ka qiyaasatay oo waxay hoosta ka leedahay "Tolow muu mar qudha dabnaha kuu kala furo", laakiin waxaanay ogeyn in Biixi meel kale dab kaga baxayo oo uu qalbigiisu la wal-kadaadayo jaceylka Xayaad.

La Soco

Top