Maalinta Qaaxada Adduunka Oo Laga Xusay Boorama
Mudanayaasha Golaha Wakiilladu Sideebay Uga Hadleen Ajandaha Xeerka Doorashada Guurtida
Siyaasiga Axmed Yuusuf Ducaale Iyo Aadan Muuse Jibriil Oo Ku Dhawaaqay Inay Ka Baxeen UDUB
Faysal Cali Waraabe Oo Booqday Degmada Arabsiyo
Laba Gobol Oo Loo Magacaabay
4-Wasiiru-Dawle
Wefti KULMIYE Ah Oo Uu Hogaaminayo C/raxmaan Aw Cali Oo Si Ballaadhan Loogu Soo haweeyay Boorama
Maxaad ka ogtahay xeerka doorashada madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka
Wargelin
Warbaahinta dalka Hindiya oo wax ka qortay hablo sida xoolaha loo
xaraashayo
Muran Ka Dhex Aloosan Xoghayaha Guud Iyo Gudoomiyaha UDUB Ee Gabiley |
|
Maalinta Qaaxada Adduunka Oo Laga Xusay Boorama
|
Boorama (Haatuf) munaasibad lagu xusayey sanad guurada 11aad ee ka soo wareegtay maalinta loo aqoonsaday la dagaalanka cudurka Qaaxada ayaa maalintii shalay lagu qabtay magaalada Boorama.
Munaasibadaas oo ka dhacday xarunta cusbitaalka qaaxadda ee Boorama waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Axmed Cabdi Jaamac, madaxa hay’adda WHO ee Soomaaliya iyo Somaliland Al-Sayid Baytul Maal duqa Boorama C/Raxmaa Sh. Cumar, Madaxa Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal, maamulaha cusbitaalka Qaaxadda Boorama Analeno Tonelli iyo marti sharaf kale oo badan waxa hadal uu halkaa ka jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka uu kaga waramay horumarka laga gaadhey wax ka qabashada cudurka TB-da iyo sida ugu haboon ee lagu hakin karo.
Madaxa WHO ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa isaguna halkaa ka akhriyey fariin uu ka siday wakiilka hay’adda WHO u qaabilsan barigga dhexe iyo Dalalka Mediterranean-ka Al-Jasaa’iri, taasoo ku waajahnayd in dadka qaba xanuunkaasi kala googoyn dawada iyo in HIV/AIDS aanu u soo raacin.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Awdal.
Top
Mudanayaasha Golaha Wakiilladu Sideebay Uga Hadleen Ajandaha Xeerka Doorashada Guurtida |
Hargeysa (Haatuf) Mudanayaasha aqalka wakiiladda ayaa shalay gudda galay xeerka doorashada golaha Guurtida oo hadda horyaal golahaa, waxaana dooda xeerkaa isku diiwaan geliyey ilaa 30 mudane, laakiin waxa doodii shalay ka qayb galay ilaa 9 mudane.
Mudanayaasha dooda ka qayb galay waxay araah ka dhiibteen qaabka loo soo dooranayo xubnaha golaha Guurtida, laakiin waxay mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen in marka hore mudanayaasha golaha Guurtida ee hadda xilka haya muddada loo kordhiyo, iyada oo ay golaha Guurtida muddadu kaga egtahay bisha May, waxayna mudanayaasha hindisahan ku dooday ra’yigooda sabab uga dhigeen in loo baahanyahay in wakhti ku filan loo helo ka baaraa dega xeerkan, iyo dooda la xidhiidha sida loo soo dooranayo mudanayaasha cusub ee golaha Guurtida. Sidoo kale waxay mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen inay madax-dhaqameedyadu yeeshaan awooda soo xulista mudanayaasha golaha Guurtida, laakiin mudanayaal kale ayaa iyaguna soo jeediyey in qaabka doorashada mudanayaasha guurtidu uu ku yimaado qaab xisbi, iyada oo ay mudanayaasha qaarkood dhaliileen qaabka uu madaxweyne Rayaale u soo dhigey xeerkan taas oo uu madaxweynuhu xeerka ku sheegay inay xubnaha golaha Guurtida soo xuli doonaan guddi todoba xubnood ah oo uu madaxweynuhu magacaabi doono.
Doodan oo u socotey si deggan waxay mudanayaashu ku sii ambaqaadi doonaan fadhiyadooda soo socda, laakiin intii aanay doodu ayuu gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane Qaybe hadalo ku weeraray wargeyska Jamhuuriya, isaga oo daba jooga maqaal uu wargeysku daabacay axadii doraad, maqaalkaas oo ku saabsanaa weriye ka tirsan wargeyska Jamhuuriya oo sabtidii todobaadkan uu gudoomiyaha wakiiladu debadda uga saaray madasha fadhiga golaha wakiiladda oo weriyahaasi ku sugnaa, isaga oo u socda hawl saxaafadeed laakiin uu gudoomiyuhu amar ku bixiyey inuu debadda u baxo.
Top
Siyaasiga Axmed Yuusuf Ducaale Iyo Aadan Muuse Jibriil Oo Ku Dhawaaqay Inay Ka Baxeen UDUB |
"Waxay ahayd in Somaliland gobolka u fidiso dhaqan siyaasadeed ka duwan ka hogaamiye kooxeedyada"
Qoraal wada-jir ah
Hargeysa (Haatuf) Axmed Yuusuf Ducaale oo hore u ahaa wasiirka waxbarashada ee Somaliland xubina ka ahaa golaha dhexe ee xisbiga UDUB iyo Aadan Muuse Jibriil oo ka tirsanaa guddiga fulinta ee xisbigaasi ayaa iska casilay kana baxay xisbigaasi ka dib markii sida ay sheegeen uu xisbiga UDUB madaxdiisu ka soo bixi waayeen xilkii ay hayeen qoraal ay wada jir u soo saareen labada masuul oo ay soo gaadhsiiyeen wargeyska Haatuf waxa kale oo ay intaa ku dareen dhaliil ay u soo jeediyeen siyaasada arrimaha dibada ee xukuumadda Somaliland iyagoo si gaar ah u cambaareeyey faro-gelinta uu maamulka C/laahi Yuusuf ku hayo Somaliland.
Qoraalka ay soo saareena isaga oo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan:
"Siyaasadu waa masuuliyadda ugu culus uguna sarraysa ee aadamuhu dusha u rito, waana hab cilmiyeed iyo farshaxan maamul, waxaana la yidhaahdaa waa farsamo suura gal ka dhigeysa in ujeedooyinka la rabo la gaadho loo qabto loona maamulo si aan surmo-seegto lahayn, "art of the possible."
Aragtidaasi waa mid ka duwan tan kale ee ah in ay siyaasadu tahay danaysi iyo tallaabooyin la qaado oo ku-meel gaadh ah, ama maalin la nool ah.
Haddaba labadaas aragtiyood keebaa inoo banaan in aynu adeegsano, marka aynu ka hadlayno mawqifka haboon in Somaliland ka qaadato colaadaha ka taagan gobolka Puntland Soomaaliya?
Annagu waxaanu raacsanahay tan hore, oo ah in ay siyaasadu tahay xisaabtan waaqici ah kuna dhisan dulqaad, iska miisaan iyo isu dheelitir danaha kala duwan ee dalkaagu la leeyahay dunida inteeda kale, kan kuu dhow iyo kan kaa dheerba, ka saaxiibka ah, ka kuu cadawga ah iyo kan dhexdhexaadka ah intaba.
Haddaba marka aynu xisaabtano maxaa faa’iidooyin iyo dhibaatooyinba inoogu sugan la safashada kooxda ka soo horjeeda maamulka Puntland ee C/laahi Yuusuf?
I.Faa’iidooyinka:-
-
Ku jiqsiinta amase ku xumaynta C/laahi Yuusuf (tit for tat) ninkaas oo shaki la’aan ah diktaator, qoorti caddatay, oo dhibaatooyin xoog leh dadkiisa iyo kuwa deriska ah ku haya
-
U Hiilin dad dulman oo xuquuqdoodii siyaasadeed la duudsiyey, inkasta oo habka ay u dagaalamayaan yahay mid gacan ka hadal ah oo aan maanta gobolka geeska Afrika ama dunidaba looga baahnayn, oo ay ahayd in ay adeegsadaan qaab siyaasi ah oo dimuqraadiyad doon ah (Peaceful and non violent political struggle). Qaab u dhigma loolanka siyaasadeed ee xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland oo tusaale u ah qaab loolan iyo tartan nabad ah isla markiina ilaalinaya danta guud ee dalka iyo dadka si aanay u dhicin qalalaase iyo is-qabsi colaadeed.
II Dhibaatooyinka:-
3 Dhegtii iyo magacii wanaagsanaa ee Somaliland dunida iyo gobolka ku lahayd oo dhulka galay, meel beryahan laga soo qabtaana aanay jiri doonin. Arrintaasi oo ah in Somaliland dunida looga yaqaan dal nabad iyo dib-u-heshiisiin ku dhaqma, gudahiisa iyo deriskiisabana misaal iyo tusaale lagu daydo u ah.
-
Haddase cid walba waxaa u muuqata oo haatan soo shaacbaxday in ay arrintu tahay mid ka duwan taas, marka aynu gacan siino cid gacan ka hadal wadda oo aan u halgamayn si siyaasi ah oo nabadeed. Waxayna taasi isku meel dhigaysaa Somaliland dagaal iyo qalalaase gobolka ka wado. Waxayna taasi isku meel dhigeysaa Somaliland iyo dagaal oogayaasha Koonfurta ee C/laahi Yuusuf ugu weyn yahay, sidaas darteedna waxaynu ka sii fogaanaynaa bahdeenii aynu isku danta iyo ujeedooyinka ahayn, kuna sii dhawaanaynaa kuwii jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda, oo la wada yaqaano, kuwaas oo intuba taageera Jaamac Cali Jaamac, oo ah siyaasiga hogaamiya kooxda General Cadde Muuse. Sidaas darteena hadda mugdi wayni soo galay xidhiidhkii strategi-ga ahaa ee aynu la lahayn cid kasta oo Ictiraafka Somaliland u heelanayd ama si dhab ah u doonaysay.
-
Ayada oo kooxdan Cadde ee C/laahi Yuusuf ka soo horjeeda loo haysto in ay la safan yihiin kuna dhex jiraan kooxo argagixiso adduunka gacan saar la leh, haddii wax ka jiraan iyo haddii kaleba. Taasi oo iyaduna dhib weyn u keenaysa xidhiidhka aynu doonayno inaan reer galbeedka la samayno oo aynu aqoonsigii ka sugayno. Waxaana dhab iyo biyo dhibcaan ah in aanay sinaba ugu habboonayn halkan weedha ah "Cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa", maxaa yeelay Jaamac Cali Jaamac waa ninkii markii la weydiiyey "Ciidamadaadu xaggay joogaan? Yidhi: Ciidamadayda Cadde hogaamiyaa waxay joogaan dhulkooda meel ka mid ah", runtiina labada ninba waa cadawga jiritaanka Somaliland, iyo xataa kan Soomaaliyaba.
-
Waxaana haboonayd in Somaliland gobolka ku fidiso dhaqan siyaasadeed ka duwan kan hogaamiye kooxeedyada Koonfurta oo ah kii lagu yaqaanay marxuumkii Madaxweyne Cigaal oo ahaa dhaqan siyaasadeedka u xaglinta dib-heshiisiinta, dulqaadka iyo dhismaha dimuqraadiyada iyo nabada, oo marna aynaan u xaglin dhinaca gacan ka hadalka, iyo u hiilinta xaaladaha colaadaha iyo qalalaasaha.
Waxaa noo cadaatay si weyna aanu ugu qanacnay in hogaanka xisbiga UDUB (golaha dhexe iyo guddida fulintu) uu xilkiisii iyo waajibaadkiisii ka soo bixi waayey kana baaqday inuu jiheeyo, hago, hogaamiyana siyaasadda dalka gudaha iyo debaddaba.
Waqti waa is gurayaa, dagaalkii saddexaad ee adduunkuna waa bilaabmay waxaana gobolkeena ka samaysmay isbahaysiyo ku wajahan dagaalka hadda dunida ka oogmay. Waxaa su’aal ah Somaliland ciddee bay la safan tahay?
Waxaa qofkasta oo leh wacyi, garaad iyo qaan-gaadhnimo siyaasadeed la soo gudboonaatay in uu mawqifkiisa qaato. Annagu waxaanu qaadanay go’aan aanu u aragnay kii nala gudboonaa. Kaas oo ah in aanu ka baxnay kana tanaasulnay xubinimadii iyo masuuliyadii xisbiga UDUB."
Axmed Yuusuf Ducaale
Aadan Muuse Jibriil
Top
Faysal Cali Waraabe Oo Booqday Degmada Arabsiyo |
Arabsiyo (Haatuf) Gudoomiyaha xisbiga UCID ahna musharaxa xisbigaasi ee madaxtinimada Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay booqday magaalada Arabsiyo oo ka tirsan gobolka Hargeysa.
Booqashadan oo qayb ka ah ololaha uu xisbigaasi ugu jiro doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo bisha April ee fooda inagu soo haysa, waxa gudoomiyaha xisbiga UCID si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha reer Arabsiyo oo aan u kala hadhin yar iyo weyn.
Hadal uu gudoomiyaha xisbiga UCID uga jeediyey dadweynaha reer Arabsiyo xafiiska xisbiga UCID hortiisa waxa uu uga waramay barnaamijkooda dhinaca doorashada iyo waxyaabaha u qorshaysan inay qabtaan haddii ay ku guulaystaan doorashada soo socota.
Ka dib waxa uu gudoomiyuhu kulano gaar gaar ah la yeeshay duqaytida Arabsiyo ururada bulshada iyo wax-garadka kale Axmed Geed Cabdi oo ah odayga magaalada Arabsiyo oo hadal ka jeediyey kulankaasi ayaa ku balan qaaday inay taageerayaan musharaxa xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Luul Ciise Caabi oo iyaduna u hadashay garabka haweenka ayaa iyaduna sidoo kale balan qaaday taageero ay siinayaan xisbiga UCID.
Hogaamiyayaasha xisbiga UCID waxaa kale oo la filayaa inay booqasho tan la mid ah ku tagaan degmooyinka kale ee dalka.
Top
Laba Gobol Oo
Loo Magacaabay 4-Wasiiru-Dawle |
Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii shalay magacaabay afar wasiiru-dawle oo loo magacaabay gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo gobol walba laba wasiiru-dawle loo magacaabay.
Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadu Cabdi Idiris Ducaale Madaxweynuhu waxa wasiiru-dawlayaasha u magacaabay ay kala yihiin: Fu’aad Aadan Cabdi (Cadde) iyo Yaasiin Maxamuud Xiir (Fara-toon) oo loo magacaabay wasiiru-dawlayaasha arrimaha gobolka Sool, Aniis Saalax X. Xasan iyo Maxamed Maxamuud Faarax (Oday) oo loo magacaabay gobolka Sanaag.
Sida warsaxaafadeedku sheegay madaxweynuhu waxa uu wasiiradan u magacaabay isaga oo tixgelinaya ahmiyadda weyn ee xoojinta maamulka gobolada Sool iyo Sanaag ay leeyihiin dhismaha qaranka.
Ma cadda sababta gaar ah ee keentay in wakhtigan la magacaabo wasiiradan iyo sida ay macquul u tahay in afar wasiiru-dawle loo magacaabo labadan gobol oo keliya.
Balse waxaynu ognahay in xukuumaddu dedaal ugu jirtay gaadhsiinta maamulka goboladaasi oo ay faro-gelin kaga timaado dhinaca maamulka C/laahi Yuusuf.
Top
Wefti KULMIYE Ah Oo Uu Hogaaminayo C/raxmaan Aw Cali Oo Si Ballaadhan Loogu Soo haweeyay Boorama |
Boorame (Haatuf): Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo C/raxmaan Aw-Cali Faarax oo ah musharaxa madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE ayaa shalay socdaal la xidhiidha ololaha doorashada ku tegay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, haalkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey, iyadoo ay weftigaasi ka bixitimeen magaalada Hargeysa subaxnimadii shalay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar taageerayaal boqolaal gaadhaya oo isu diyaariyey soo dhowaynta weftigaa ayaa tan iyo subaxnimadii hore ee shalay safnaa jidadka iyo goobo ay dadku ugu talo galeen soo dhowaynta, iyadoo socdaalka weftiga KULMIYE qayb ka yahay ololaha doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka ee la filayo inay dalka ka dhacdo badhtamaha bisha Abril ee foodda inagu soo haysa, taas oo ay weftiga KULMIYE doonayaan inay barnaamijkooda siyaasadeed u bandhigaan dadka reer Awdal.
Inkasta oo imaatinka weftiga KULMIYE dib uga dhacay wakhtigii loogu talo galay haddana taageerayaal gaadhayaal boqolaal ayaa goor hore isa sii safay magaalooyin ku yaal wadada laamiga ah ee isku xidha Hargeysa iyo Boorama waxaana magaalooyinka ka mid ah Dilla, Garaya-cawl iyo magaalada Boorama, iyada oo ay dadkaasi wateen baabuur tiro badan, laakiin markii weftiga KULMIYE ay soo gaadheen magaalada Boorama waxay ugu horeyn tageen fagaaraha kheyriyada oo ay isugu soo baxeen boqolaal qof. Hase yeeshee hogaamiyaha weftiga KULMIYE C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo lagu waday inuu fagaaraha khudbad ka jeediyo ayaanay taasi suurta gelin, iyada oo ay sababtu ahayd weftiga oo daal ka muuqday iyo xilliga oo cadceedu kululayd, laakiin C/Raxmaan waxa uu balan qaaday inuu markale dadweynaha reer Boorama kala hadli doono fagaaraha kheyriyada iyada oo la sheegay inay C/Raxmaan Aw Cali iyo weftigiisu muddo halkaa joogi doonaan, waxaase iyagu hadalo kooban dadweynaha uga jeediyey fagaaraha kheyriyada xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE uu fadhigoodu yahay magaalada Boorama iyo weliba xubno ka kale oo ka mid ahaa weftiga C/Raxmaan Aw Cali, kuwaas oo dadkii kheyriyada iskugu soo baxay ugu baaqay inay taageeraan xisbiga KULMIYE.
Sida la sheegay weftiga KULMIYE ee socdaalka ku tegay Boorama waxa la sheegay in si weyn oo aan la filayn loo soo dhaweeyey, isla markaana waxa ay weftigaasi gobolka Awdal ku sugnaan doonaan in muddo ah iyada oo la sheegay inay magaalada Boorama u sii dhaafi doonaan dhinaca degmooyinka Xeebta Galbeed iyo guud ahaan deegaamada kale ee gobolka Awdal, halkaas oo ay ku galaa bixin doonaan olole dhinaca doorashada ah.
C/Raxmaan Aw Cali oo mar madaxweyne ku xigeen ka ahaa dawladda Somaliland, hadda ka hor gudoomiye ku xigeen ka ahaa ururkii ASAD, laakiin hadda ah musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa gobolka Awdal, sidaa darteed socdaalka ay hadda isaga iyo weftigiisu ku marayaan gobolka Awdal waxa uu qayb ka yahay sidii uu xisbigiisa taageero ugaga soo heli lahaa dadweynaha deegaamadaa.
Top
Maxaad ka ogtahay xeerka doorashada madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka |
Iyadoo aynu ognahay inay fooda inagu soo hayso doorashadii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo la filayo inay dhacdo bisha April ee fooda inagu soo haysa, sida darteed waxaanu idiin soo gudbinaynaa maalmaha soo socda qoraalo taxane ah oo ka waramaya nidaamka iyo xeerarka doorashada, taasoo ay iska kaashadeen soo diyaarintooda shabakada wararka ee Haatuf iyo guddiga doorashadii waana tan qaybtii ugu horeysay. Oo aanu idiinka soo xulnay xeerka doorashooyinka Qaranka.
DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKA MADAXWEYNAHA .
Qodobka 35aad
Shuruudaha Murashaxa Madaxwevnaha & Ku xigeenka Madaxweynaha
1. Shuruudaha murashaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxay ahaanayaan kuwa ku tilmaaman Dastuurka qodobka 82aad.
2. Xubnaha isu taagaya doorashada Madaweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waa inay ka mid yihiin urur/xisbi diiwaan-gashan ama ansaxsan, soona sharaxay.
Qodobka 36aad
Habka Doorashada Madaxwevnaha ivo ku xiqeenka Madaxweynaha
Habka lagu dooranayo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha wuxuu ahaanayaa kan ku tilmaaman Dastuurka qodobka 83aad, faqradihiisa 1,2,3, iyo 4aad.
Nidaamka Maammulka DOORASHADA
Qodobka 37aad
Qalabka xafiisyada Doorashooyinka
Komishanka Qaranka ee doorashooyinku waa inay goob cod-bixineed kasta u diyaarisaa qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ka mid ah.
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shaambaddii goobta cod-bixinta oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Xidhmo lingaxan oo ay ku jiraan waraaqihii cod-bixintu.
d. Sanaadiiqdii cod-bixinta lagu ridayay.
e. Weel lagu qaado waraaqaha cod-bixinta.
f. Saddex foom oo lagu qoro hawlgalka cod-bixinta.
g. Foom leh khaanado jeex jeexan.
h. Qalimo-biiro ku filan calamadaynta warqadaha cod-bixinta.
i. Ugu yaraan 5 waraaqadood oo tusinaya qaabka cod-bixiyayaashu u calaamadaynayaan warqadaha cod-bixinta.
j. Quraarad ah khadka aan tirtirmi Karin ee la marinara cod-bixiyayaasha.
k. Qalabka qoraalada kala duwan ee 100 baahan karo. ...'
2. Qalabka ku xusan c, d, e, f, 9 , ee ku tilmaaman farqadda xubinta hore waa inay ahaadaan laba laba oo si fiican loo kala calaamadiyaa haddii wadajir loo qabanayo doorashooyinka Degaanka.
3. Komishanku waa inay xafiiska dhexe ee doorasho iyo degmo/gobol kasta u diyaarisaa qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ah
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shambaddii xafiiska degmada, gobolka ee doorasho oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Saddex foom oo lagu qorayo hawlgalka cod-bixinta xafiiska doorashada ee degmada/.gobolka.
d. Foom leh shax jeex jeexan (tabulation forms)
e. Qalabka wax lagu qoro oo kala duwan (stationary)
4. Qalabka xafiis kasta oo doorasho waa in lagu rido saxarad gaar ah. Saraxadda waa in la xidho oo la lingaxo. Komishanku waa inay qalabkaas dirto wakhti ku haboon iyadoo ay la socdaan sanaadiiqdii codka lagu ridayey, waxaana loo dirayaa xafiisyada doorashada degmada/gobolka oo u sii gudbinaya goobaha cod-bixinta.
5. Komishanku waa inay xafiisyadooda degmo/gobol u diyaariso waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah oo ku lingaxan kiishash si loo siiyo xafiiska doorasho ee soo codsada, iyadoo ay waajib tahay in ay soo sababeeyaan, waxana la gudoonsiinayaa gudoomiyaha goobta cod-bixinta.
6. Meelaha is gaadhsiintu adag tahay Komishanku wuxuu u dhiibi karaa waraaqaha cod-bixinta oo lingaxan oo dheeraad ah kormeerka doorashada ka hawlgalaya si uu u hayo xafiiska doorashada ee degmada/gobolka.
Qodobka 38aad
Waraaqaha Cod-bixinta
Waraaqaha cod-bixinta waa inay ku daabacan yihiin astaamaha ururada/xisbiyada oo kor u taagan si afar gees ah. Astaan kastaa waa inay leedahay meel banaan oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu ku muujiyo codkiisa. Waraaq kastaana waa inay leedahay cidhif yar oo xabagaysan 00 lagu rogo warqadda cod-bixinta oo lagu lingaxo.
Qodobka 39aad
1. Goob kasta oo codbixinta laga dhiibanayaa waa inay lahaato laba qol oo yar yar oo loogu talagalay in lala galo calaamadaynta waraaqaha cod-bixinta loona habeeyo in qarsoodi codka lagu hubiyo.
2. Sanaadiiqda cod-bixinta lagu ridayaa waa inay yaaliin meel muuqata ama hareeraha ka xigaan miisaska Gudoomiyaha goobta cod- bixinta.
Qodobka 40aad
Ogevsiinta Liiska Murashaxiinta
1. Halka nuqul ee ku xusan qodobka 27 aad ee xeerkan waa in lagu dhejiyo meel la wada arki karo oo ka mid ah xafiiska doorashada ama goobta cod-bixinta gudaheeda iyo dibeddeedaba.
2. Nuqulka ogaysiinta ee ku xusan qodobka 27aad ee xeerkan oo Komishanku ka soo sameeyay liiska murashaxiinta oo u kala horeeya sidii loogu soo gudbiyay waa in lagu dhejiyo banaanka xafiisyada doorashada iyo gudaha meel la wada arki karo.
Qodobka 41aad
Qaybinta Qalabka Doorashada
1. Xafiiska doorashada degmadu waa inuu hubiyo in goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso in la geeyo wixii qalab ah ee loo baahan yahay markay saacadu tahay 6:00 saac ee subaxnimo ka hor maalinta cod-bixinta.
2. Komishanku Waa inuu geeyo xafiiska doorashada degmada qalabka loogu talagalay cod-bixinta ugu dambayn 4ta galabnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta.
3. Goob kasta oo cod-bixineed waa in la siiyo:-
a. Nuqul muujinaya magacyada hawl-wadeenada goobta
b. Nuqul muujinaya wakiilada ururada/axsaabta ee goob-jooga ahaanaya.
Qodobka 42
Xafiiska Goobta cod-bixinta
1. Gudoomiyaha goobta cod-bixintu markuu helo qalabka ku xusan qodobka la soo dhaafay waa inuu:-
a) Dhiso xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta u sheego inay yihiin hawl-wadeenadii goobta isla markaana la socodsiiyo sida ay hawsha loo xilsaaray u gudanayaan.
b) Hubiyo in Wakiilada axsaabta/ururada ee loo soo ogolaaday inay goob-joog ahaadaan inay joogaan.
c) Markuu hubiyo inay saxaraduhu lingaxan yihiin waa inuu furo saxarada oo hubiyo inay dhan yihiin qalabkii , waana inay goob-joog ahaadaan Hawl-wadeenadii goobta iyo wakiiladii ururada/axsaabtu.
d) Markuu hubiyo isaga iyo hawl-wadeenadiisa iyo wakiiladu in xidhmooyinka ay ku jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha cod-bixintu lingaxan yihiin, waa inuu furo xidhmooyinka oo waraaqaha cod-bixinta la dhaco shaambada goobta, oo si nidaamsan ugu rido weel xafidan. Waxaa reebban inay markaas joogto qof aan ahayn inta goobta ku qoran.
e) Inuu hubiyo in ogeysiinta ay ku qoran yihiin tilmaamaha cod-bixinta iyo liisaska murashaxiintu ku dhegan yihiin meelihii loogu talagalay.
f) Inuu hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta loogu talagalay loo agaasimay sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si hufan ugu hirgasho.
2. Waa inuu diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan in la fuliyey. Qoraalka waa inay ku cadaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha cod-bixinta ee goobta cod-bixintu heshay.
3. Waa inuu markaa ka saxeexo hawlwadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba sidii loogu talagalay yihiin.
4. Markuu hubiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa inuu ku dhawaaqo in cod-bixintu furan tahay.
.Qodobka 43aad
Awoodda Gudoomivaha Goobta cod.bixinta
1. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo nidaamka inta doorashadu socoto. Booliska ayuu ku amri karaa inuu qof goobtaa dibedda uga saaro ama in la qabto qof gef ku sameeyay hawsha doorashada ama qof waali ka muuqato.
2. Booliska looma ogola inuu gala gudaha goobta cod-bixinta haddii aanu Gudoomiyuhu amrin.
3. Saraakiisha Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa in ay fuliyaan codsiyada Gudoomiyaha goobta si loo hubiyo in si dhib yar codka loo bixiyo oo aanay dhicin in lagu ururo miiska hawl-wadeenada ama goobta agteeda.
4. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta iyo kuwa xafiiska dhexe waxay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan awoodaha ku qoran xubnaha
qodobkan.
Qodobka 44aad
Gelidda Goobta Cod.bixinta
1. Xafiiska goobta cod-bixinta waxa geli kara dadka maamulaya xafiiska iyo kuwa ka wakiilka ah axsaabta/ururada iyo kuwa codka bixinaya.
2. Waxa reebban in cod-bixiyayaashu hub la yimaadaan goobta, markiiba qof ayaa gelaya, iyadoo loo kala hor marinayo sidii loo soo kala horeeyay, hasa yeeshee waa la tixgelin karaa inuu ugu hormaro haddii ay jirto qoft ka shaqaynaya hawsha doorashada oo doonaya
inuu codkiisa bixiyo.
Qodobka 45aad
Talaaboovinka Ka Horeeva Cod.bixinta
Cod-bixiye kasta wuxuu codkiisa dhiiban karaa markuu:-
a. Bixiyo tilmaamihiisa ku saabsan magaciisa, aqoonsigiisa iyo da'diisa.
b. La hubsado inuu xaq u leeyahay cod-bixinta oo buuxinayo shuruudaha cod-bixinta, iyadoo si guud mar ah looga eegayo aqoonsigiisa, waraaqaha uu sito, marag-muujin kale ama sidii kale ee kolba loo caddayn karo.
2. Calaamad khad aan tirtirmi Karin laga mariyo cidida far-yarada gacanta bidix, haddii gacanta bidix maqan tahayna waa in cidida far- yarada gacanta midig laga mariyo, haddii ay labada gacmood maqan yihiin waa in laga mariyo meel kale oo jidhka cod-bixiyaha oo la arki karo.
Top
Waxaanu akhristayaashayada ku wargelinaynaa inay labada mawduuc ee kala ah Sheekada Jilba Dhiig
iyo Mawduuca Garta Xeer-beegti inaanay maalin kasta oo salaasa ah ku soo bixi doonin wargeyska, iyada oo sidaa loo yeelay dib u habayn lagu sameeyey barnaamijyada ku soo baxa wargeyska.
Sidaa awgeed waxaanu akhristayaashayada sharafta leh si xushmad leh ugu wargelinaynaa inay labadaa mawduuc (Jilba Dhiig iyo Garta Xeer-Beegti) Wargeyska kala socdaan maalmaha kale, marka laga reebo maalinta Salaasadda oo uu wargeyska ku soo baxo mawduuca xiisaha badan ee Radio Ma Qaloocshe.
Top
Warbaahinta
dalka Hindiya oo wax ka qortay hablo sida xoolaha loo xaraashayo. |
Warbaahinta Dalka Hindiya ayaa Bishii aynu soo Dhaafnay Si weyn u hadal hayey xaraashka
hablaha Gobolka M.P gaar ahaan qabiilka Panchayat oo dega (khandwa district)oo ku taal bariga Gobolkaasi Madhya pradesh. (M.P).
Wargeyska The Week oo ka soo baxa Magaaladda Ganacsi Ee Bombay ayaa Boggiisa Hore ku soo qaatay Sawirka Gabadh la iibsaday oo ay ku dul qorantahay (8000 Rs) ayaa la Siistay una Dhiganta (180 Dollar).
Wariye Deepak Tiwari oo ka Tirsan The week oo booqday degmadda Khandwa ayaa Sheegay In qayladda xoooga leh ee ay ku sayaxyaan xaraashayaasha degaankaasi uu ku soo jiidanayo hadalada ay ku dhawaaqayaan waxa ka mida ( Paanch hazar...Paanch hazar ek, oo la Mida 5000, 5000. Rs. xabadiiba...oo u dhiganta (100 Dollar).
Wargeyska The week oo ka faalooday arrintan ka dhacday degmadda Khandwa ee Gobolka M.P ayaa sheegay in qabiilka panchayat oo kaliyi uu dhexdiisa sharci ka ahaa in hablaha la kala guursanayo la kala iibsado laakiin dadka kale ee aan u dhalan qabiilka Panchayat aan laga iibin qofka arrintaas sameeyana la ganaaxo lana ciqaabo lana xidho.
Mar kale isagoo wargaysku sii hadlaya waxa uu yidhi. Imika qabiilka Panchayat waxa hablahoogii jeclaaday dadyowga aan u dhalan qabiilkaasi oo ka kala yimid goboladda dalka Hindiya, taas oo sababtay in dad badan oo sharciga qabiilka aaminsanaa ay jabiyeen sharcigii ka dib markii ay ogaadeen in ay lacag ka fiican tan ay ka helaan dhexdooda ay ka helayaan dadyowga kale taas oo sababtay in suuqu xaami noqodo.
Wargeysku waxa uu diiradda saaray xeerka qabiilka Panchayat gabadha ka soo baxsata ninka iibsaday waa in la soo qabtaa oo qabiilka panchayat ku ciqaabaan in ay dhagaxweyn kor u hayso ilaa subax ilaa cadceed ka dhac. Ninkana waa in haddii uu gabadha ka baxsado isagana lagu ciqaabaa in timaha laga xiiro oo kab lagala dhaco madaxa ilaa subax ilaa inta ay cadceedu ka dhacayso.
Mar kale wargeyska The week oo eeda dusha ka saaray xukumadda Hindiya iyo haayadaha xuquuqda aadamaha u dooda warageysku waxa uu yidhi; "arrintani waa mid sumacada dalaka hoos u dhigaysa waana ku ceeb maamulka dalka in uu dhagaha ka furaysto ceebta weyn ee ka soo socota halkaasi may dhicin aduunyadda tanoo kale," ayuu yidhi wargeyska ‘the week’.
Markii aan arrintaa aan ka akhristay wargeyska the week ayaan Isku dayey inaan la xidhiidho wasiirka kaluumaysiga ee gobolkaasi Mr Hiralal Silawat,oo u dhashay qabiilkaasi laakiin Nasiib darro wasiirku ma joogin xafiiska waxana telephone kii iga qabtay haweenay xoghayn u ah waxana ay ii sheegtay in wasiirku ku hawlan yahay mashakilka qabiilkiisa.
Dalka hindiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan aduunka ayaa laga isticmaalaa Dhaqano kala duwan iyo diimo kala duwan ... laakiin dadka reer Hindiya waxa ay ka Midaysan yihiin Guurka. Tusaale ahaan gabadhu iyadaa guursanaysa ninka iyadaa bixinaysa yaradka iyo dhamaan kharashadka guurka, intaa waxa u sii dheer in gabadhu sanad walba reer kooda ka soo qaado lacag loo yaqaan (Dhowri). Mar aan arrintan guurka kala sheekaystay Qaadi Muslim ah oo la yidhaa Sheikh Amanullahi Khan ayaa ii sheegay in Muslimka dalkani uu aminsan yahay in dumarka xaqooga la siiyo laakiin nasiib darro uu dhaqanku ka xoog batay Mr amanulaahi waxa uu ii sheegay in uu isagu anu lacag waydiisan markii uu guursanayey reerkii uu ka guursanayey laakiin ay reerku is xilqaameen oo ay lacag ii keenen.
Dalka Hindiya abadha la soo furo guur uma xaadirto mar labaad waa ka xaaraan dhaqanka dalkan, taas oo sababta in dumarka dalka Hindiya ay ixtiraam saayid ah u hayaan Ragooda. waxan ay iska ilaaliyaan sabab uu ku furi karo. Dhinac kale ninku isaga waa loo ogolyahay in uu guursado mar labaad iyo in ka badan ba.
Mar aan la sheekaystay dhalin yaro guur doon ah oo iska diwaan galinayey shabakada guurka ee Hindiya ee www.shaadi.com ayaa ii sheegay in ay ka daydayanayaan halkan dumar lacag farabadan haysta oo Na Guursada. Dhalin yaradaasi waxa ka mida Mohamed Ahmed Khan oo guursaday sanad ka Hor gabadh, laakiin ii sheegay in uu doonayo mid ka lacag badan tan uu qabo.
Dalkan hadaad timaad oo Aad ka qayb gasho xaflad guur waxad ku arkaysaa kaadhka casuumada heblaayo oo Guursatay hebal, halka dalalka kale aad ku arkaysid hebal oo Guursaday heblaayo. dhaqanka Noocan ah kuma jiro inta badan aduunka kale.
Abdiaziz Ahmed Mousa Hindiya...
Top
Muran Ka Dhex Aloosan Xoghayaha Guud Iyo Gudoomiyaha UDUB Ee Gabiley |
Hargeysa (Haatuf): Waxa soo baxaya muran ka dhex aloosmay xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo guddoomiyaha xisbigaasi ee degmada Gebilay, Xuseen Nuur Bakaal (Soobe), waxaanay tani ka dambaysay markii uu xoghayaha guud ee xisbiga UDUB uu dhawaan soo saaray qoraal uu xilka kaga qaaday wakiilka ama guddoomiyaha xisbigaasi ee degmada Gebilay, taas oo la sheegay inay muran iyo xiisad ka abuurtay degmadaasi, iyadoo ku soo beegantay xilligii uu madaxweynuhu booqashada ku marayay degmadaasi. Balse xoghayaha guud ayaa markale soo saaray qoraal uu xil ka qaadistii xisbiga ee Gebilay Xuseen Nuur Bakaal uu kaga noqonayo kadib markii sida muuqata uu amar caynkaa ahi kasoo baxay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Laakiin waxa arrintaasi ku gacan saydhay Xuseen Nuur Bakaal oo qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu faraha ka qaaday hawshii uu u hayay xisbiga UDUB, kadib markii sida uu sheegay uu arkay nidaam darrida ka dhex jirta xisbiga UDUB.
Qoraalada ay is-weydaarsadeen labada mas’uul waxa ay ku cad yihiin sawiradooda oo la socda warkan.
Top
|