Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 299 March 31, 2003

Madaxweyne Rayaale Oo Lagu Wado Inuu Maanta Horyimaado Labada Gole Ee Baarlamaanka Somaliland

ARRIMAHA BULSHADA Caraale M. Jaamac Qormadii 7aad

Dawada: Waxtarkeeda Iyo Waxyeeladeeda

Waa tuma dawladda Habooni ?

Maareeyihii Wershada Laydhka Hargeysa Oo Xilka Laga Qaaday

3-da Xisbi Ee UCID, UDUB Iyo KULMIYE Oo Tallooyin Wada-Jir Ah Ka Bixiyay Qorshaha Doorashada

Ciidamada Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Habqankoodu Ku Kala Lumay Saxaraha Ciraaq

Gudoomiyaha UCID Oo Socdaalo Gaallaa-Bixinaya Deegaamada Galbeedka Hargeysa

Nidaamka Goobaha Cod-bixinta

Waa In Beelaha Somaliland Ay Guurti Cusub Soo Dhistaan

Sidee Baynu Uga Bixi Karnaa Duruufaha Siyaasadda

Quwadeenu Waxay Saaran Tahay Qaalin Layli Ah Somaliland Waxay U Baahan Tahay Guurti Cusub

Jilbo-Dhiig Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 11aad


Madaxweyne Rayaale Oo Lagu Wado Inuu Maanta Horyimaado Labada Gole Ee Baarlamaanka Somaliland

Arrimaha la filayo inuu ka hadlayo iyo Su’aalaha lays weydiinayo

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa lagu wadaa inuu maanta hor-yimaado labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), iyadoo la sheegay inay labada gole ee Baarlamaanku fadhi wadajir ah ku qaabili doonaan Madaxweynaha, sidaana waxa shalay ka sheegay madasha fadhiga wakiilada gudoomiyaha golaha wakiilada, mudane, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe).

Masoo bixin warar rasmi ah oo faah-faahin ka bixinaya mawduucyada uu Madaxweyne Rayaale kala hadli doono Baarlamaanka, laakiin waxa la sheegay inuu ugu horrayn inuu ajandaha koowaad ee madaxweynuhu yahay warbixin sannadeedkii distooriga ahayd inuu siiyo Baarlamaanka, iyadoo uu qodob distoorka ka mid ahi dhigayo inuu madaxweynuhu sanad kasta Baarlamaanka siiyo warbixin sannadeed uu kaga warramayo xaaladda waddanka iyo qorshayaashiisa hoggaamineed. 

Hase yeeshee, marka laga yimado warbixin sannadeedka caadiga ah, haddana waxa la aaminsan yahay inuu Madaxweyne Rayaale ka hadli doono arrimo kale oo ay ka mid yihin mawduuca doorashooyinka madaxtooyada. Laakiin lama oga qaabka uu Madaxweyne Rayaale uga hadli doono Dawladda iyo arrimaha la xidhiidha, waxayse wararka qaar tibaaxayaan waxyaalaha uu Madaxweyne Rayaale khudbadiisa ku xusi doono, waxa ka mid ah qodobo la xidhiidha ololaha doorashada foodda inagu soo haysa, iyadoo laga yaabo inuu Madaxweyne Rayaale afka ku dhufto bishaarooyin qayb ka ah ololaha doorashada, maadaama uu mudane Rayaale yahay ninka jagada madaxweynenimada uga sharaxan UDUB.

Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in laga yaabo inuu Madaxweyne Rayaale Baarlamaanka hordhigo marxaladda dalku marayo iyo haddii ay jiraan duruufo caqabad ku ah qabashada doorashada, laakiin arrinta kale ee muhiimka ah ee la filayo inuu Madaxweyne Rayaale Baarlamaanka horkeeni doono waxay tahay Xukunka deg-degga ah ee muddada saddexda bilood ah saarran gobolka Sool, taas oo uu Madaxweyne Rayaale gobolkaa ku soo rogay horraantii bishii January ee sannadkan, kadib markii ay Madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hoggaaminayo daboyaaqadii bishii December 2002, socdaal ku tageen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sol, waxaase isla maalintii ay galeen weerar gaadmo ah la beegsaday ciidamo hubaysan oo ka yimi maamulgoboleedka C/laahi Yuusuf ee Garoowe, taas oo keentay inay Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu si deg-deg ah uga soo baxaan gobolka Sool, isla markaana maalin kadib markii uu Madaxweyne Rayaale Hargeysa ku soo noqday ayuu ku dhawaaqay inuu xukun deg-deg ah ku soo rogay gobolka Sool, taas oo uu gobolka Sool ka hadhay doorashooyinkii Dawladda hoose ee dalka ka dhacay 30-kii December 2002, laakiin waxay dadku is-weydiinayaan, "Talow gobolka Sool miyuu doorkana ka hadhayaa doorashooyinka madaxtooyada ee ay inaga xigto labada toddobaad." 

Hase yeeshee, waxa la filayaa inuu Madaxweyne Rayaale khubadiisa maanta jawaab kaga bixin doono qaddiyadda gobolka Sool iyo guud ahaan degaanada bariga Sanaag, taas oo loo baahan yahay inuu madaxweynuhu jawaab qeexan ka bixiyo arrimo dhawr ah oo la xidhiidha degaanada bariga Somaliland, sida Xukunka deg-dega ah ee saaran gobolka Sool iyo istaraatiijiyadda ay Dawladdu damacsan tahay inay wax kaga qabato duruufaha maamul iyo siyaasadeed ee ku gedfan gobollada bariga Somaliland iyo sidoo kale inuu Madaxweyne Rayaale jawaab ka bixiyo su’aasha dareenka dadka aad u xaganaysa ee ah "Sool iyo Sanaag doorashadu ma ka dhacaysaa."

Waxa kale oo ay xanta siyaasaddu leedahay waxa laga yaabaa inuu Madaxweyne Rayaale farta ku fiiqo duruufo dib u riixi karta amminta doorashada, laakiin ma jiraan warar ah xaqiiq oo u markhaati-furaysa inay xanta caynkaas ahi jirto, laakiin arrimaha kale ee iyaguna u baahan inuu Madaxweyne Rayaale sheekada ku darsado waxa ka mid ah mucaaradka ku kacsan C/laahi Yuusuf ee uu hoggaaminayo janaraal Cadde Muuse oo la sheegay inay kooxo ka mid ahi ku sugan yihiin degaamo badhtamaha gobolka Sanaag ah, kuwaas oo ay xisbiyada mucaaradku marar dhawr ah xukuumadda ku cambaareeyeen inay mucaaradka C/laahi Yuusuf hoosta soo gashanayso, laakiin ay xukuumadduna dhinaceeda ku cel-celisay inay dad dagaal ka soo firxaday oo ay magan-gelyo aadaminimo siisay.

Waxa kale oo iyana lagama maarman ah inuu Madaxweyne Rayaale jawaabo cuntami kara ka bixinayo duruufaha dhaqaale iyo sicir-bararka toddobaadadii u dambeeyay ka aloosmay suuqyada ganacsiga Somaliland, iyadoo xasaradda sicirka keentay wax looga tirinayo xukuumadda Rayaale, laakiin marka laga hadlayo dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha waxa iyana meesha xayiraadda muddada labada sannadood ku dhow saaran ganacsiga xoolaha nool oo ahaa laf-dhabarta nolosha mujtamac-weynaha reer Somaliland, taas oo ay tahay inuu madaxweynuhu umadda war ka siiyo halka ay arrintaasi ku dambaysay iyo waxa ay dawladdiisu ka qabatay iyo ugu dambayn inuu madaxweynuhu iftiimin iyo sharrax ka bixiyo waxyaalo badan oo la xidhiidha xaaladda maamul ee xukuumaddiisa iyo siyaasadihiisa hoggaamineed.

Top


ARRIMAHA BULSHADA Caraale M. Jaamac Qormadii 7aad

Werwerka Iyo Waayaha Nolosha

Si ay haweenku uga badbaadaan werwerka iyo walbahaarka ay keenaan fekerka ee sababta u ah hurdo la’aantu, waa inay qofka dumarka ahi waqti u hesho nadaafada, is qurxinta iyo bilicda dharkeeda iyo jidhkeedaba. Waxa suuro gala inay dumarka quruxda muuqaalka iyo bilicsanaanta jidhkoodu ka fogayso werwerka iyo walbahaarka, hase yeeshee marka aynu ka hadlayno is qurxinta dumarka taa macneheedu maaha qaabka ay qaarbadani u haystaan quruxda ee halista ku ah caafimaadka iyo jidhkooda oo dhan, ama maqaarkooda.

Waxa la ogaaday inay neefsashadu wax weyn ka tarto oo ay dejiso neerfayaasha kacsan. Dad badan ayaa dareemay isbedel dhinaca hurda la’aantii ay ka cabanayeen ah, waxayna dadkaasi ogaadeen inay hurdada macaan ee raaxada lihi ay tahay, inaad ugu horeyn dareentid xasilooni nabadgelyo iyo deganaansho.

Dr. Thomas oo ahaa dhakhtar Ingiriis ah, ayaa sheegay isagoo ka hadlaya hurdo la’aanta inuu ogaaday muddadii badneyd ee uu daweynayay dadka inuu ku jiray tijaabo, taasoo uu ku ogaaday in aasaaska hurdada ugu macaan lagu helo hibo Eebbe iyo ducada, iyadoo Ilaahay la baryayo.

Ducada iyo Alla ka cabsiga ayaan shaki ku jirin inay yihiin shayga ugu muhiimsan ee dawo u noqon kara hurdo la’aanta ay dad badani ka cawdaan habeenkii, waxayna nafta u soo jiidaa ducadu deganaansho, xasilooni iyo dejinta neerfayaasha.

Waa xaqiiq in qofku diyaar garowga hurdada ka hor, haddii uu qalbigiisa Ilaahay u furo inuu gelayo hurdo wanaagsan oo raaxo leh, waxayna taasi meesha ka saaraysaa wax kasta oo uu ka werwerayey, isla markaana wuxuu helayaa hurdo aan lahayn werwer iyo walbahaar oo xasiloon, xusuusnow mar kasta inay hurdo la’aantu keento caafimaad xumo iyo cuduro.

Inta badan mushkiladaha walbahaarka waxay ka dhashaan mashaakil dhaqaale, mushkiladahaa dhaqaale dad badan ayaa u haysta inay ka baxayaan haddii dakhligooda 10% ay kordhaan, laakiin taasi waa mid aan inta badan rumoobin, tusaale ahaan waxaad arkaysaa laba qoys oo meel ku wada nool, kuna jira laba guri oo isku mid ah oo isleeg carruurtooduna ay isleegyihiin, dakhliga soo galaana isku mid yahay, haddana ay baahidoodu aad u kala duwan tahay, waayo dadkaas asalkooda ayaa kala duwan oo waxa laga yaabaa in midkood uu qorsheeyo miisaaniyadiisa oo isku dheeli tiro kharashkiisa iyo dakhligiisa, halka aanu ka kale waxba ka qorshayn, taasuna waa ta horseeda inuu dhaqaale burbur ku dhaco qoyska.

Waxa loo baahan yahay inaynu habayno miisaaniyadeena, si aynu uga badbaadno mushkilada dhaqaale. Habaynta miisaaniyadu maaha inaynu cuno qabatayn saaro nafteena iyo qoyskeena, laakiin waxa weeye inaad ogaatid in ku dhaqanka miisaaniyadu tahay saldhiga deganaanta dhaqaalahaaga oo dejinaysa xasiloonida naftaada.

Qoys ayaa miisaaniyada dakhligoodu aad u kordhay markaasay bilaabeen inay galaan kharash badan iyagoo sameeyay wax iibsi badan, in yar ka dib isagoo moodayey qoyskaasi inaan mar haddii dakhligoodii kordhay aan xisaabta loo baahnayn, hase yeeshee muddo gaaban ka dib waxay galeen cidhiidhi dhaqaale, sababtoo ah waxay qoyskaasi ku xad gudbeen misaaniyadoodii, iyagoo sameeyay inay isticmaalaan kharash badan, taasi layaab ma laha waayo waa dabeecad uu aadamuhu leeyahay, qof kastaaba waxa uu jecel yahay inuu dakhligiisu kordho, markaasuu kharashkiisuna bataa si uu kor ugu qaado heerkiisa nololeed, laakiin ma waxa fiican inaynu xisaabtano oo samaysano miisaaniyad qorshaysan, mise inaynu galo deyn faro badan.

Ma jiro qof ku qanacsan ama raali ku ah heerka noloshiisa iyo dhaqaalaha soo gala, hase yeeshee waa inaad xusuusnaato markasta inay jiraan dad aan haysan dhaqaalaha aad haysato, ama ku soo gala, haddii aynu doonayno inaynu kordhino ilaha dhaqaalaheena, waa inaynu kor u qaadno wax soo saarkeena, marka aynu sidaa samayno waa inaynu isu dheeli tiro dakhliga iyo kharashka aynu isticmaalayno, haddii aynu doonayno inaynu kor u qaadno heerka nolosheena, si aynu uga badbaadno werwerka iyo walbahaarka cidhiidhiga gelinaya nafteena, haddii kale waa inaynu u hogaansanaano walbahaarka.

Dabaqadaha kala duwan ee nolosha aadamaha ayaa ah mid isku xidhan oo silsilada, qof kastaana wuxuu doonayaa inuu gaadho halka uu hebel gaadhay iyo heerka noloshiisa, hebelkaasuna wuxuu hoogsanayaa hebel kale, oo ka horeeyay, hase yeeshee waxa aan layska indho tiri karayn sida ay xigmad ilaah u tahay heerka nololeed iyo dhaqaale uu aadamaha ku nool dunida guudkooda iyo bulsho kasta oo isku meel ku dhaqan oo ay noloshooda iyo dakhligooduba aad u kala duwan yihiin, markaa ha ku mashquulin naftaada hebel muxuu waxaa u helay ama kaaga nolol wanaagsan yahay.

ogsoonow in haddii laguu dhiibo waxa ay aadamuhu gacanta ku hayaan oo dhan ay dhib iyo rabshad uun kuu soo kordhinayaan, sababtoo ah waxaad wax ka cunaysaa saddex waqti, waxaanda kaga seexanaysaa sariir qudha, markaa ku qanacsanow mar kasta heerka nololeed ee aad ku jirto, laakiin si cilmiyeysan uga feker inaad kor u qaado heerka noloshaada, adigoo kordhinaya wax soo saarkaaga, isku filaysii oo ku qanacsanow waxa ku soo gala una xisaabtan si taxadir leh, adigoo aan xakamaynayn naftaada una noolow si xor ah.

La soco qaybo kale oo xiiso leh toddobaadkan dambe, cadadka Axadda

Top


Dawada: Waxtarkeeda Iyo Waxyeeladeeda

Maxamed H. Daahir (Gudoomiyaha Ururka Farmasiyada Somaliland)

Ma doonayo inaan baqdin iyo argagax idin geliyo, laakin ujeedadaydu waxay tahay inaan idiinka digo awooda badan ee dawooyinka aynu qaadanaa leeyihiin. Mana ihi nin idiin soo jeedinaya talooyin ku saabsan hab-nololeedkiina iyo caadooyinkiina oo idin leh sigaarka iyo qaadka iska daaya, waxaanse maqaalkaygan uga dan leeyahay inay dadku gartaan waxa la filayo inay dhacaan marka ay qaataan dawooyinka uu dhakhtarku u soo qoray.
Dawooyinku siyaabo kala duwan ayay cudurka ula dagaalamaan ama ay u dejiyaan astaamaha cudurka, matalan hadii aynu soo qaadano kuwa caabuqa lagula dagaalamo "Antibiotics" waxay u shaqeeyaan si gaabis ah waayo waxay fursad siiyaan nidaamka difaaca dabiiciga ah ee jidhka si uu u ugaadhsado jeermiska jidhka soo gala, waxa jira xaalado badan oo ay dawooyinku xanuunka astaamihiisa oo keliya ay dejiyaan oo aanay dawaynin cudurka, matalan waxay yarayn karaan shubanka oo kale, ama waxay qaboojin karaan calool ololka u keeno cudurka loo yaqaan gaastriga "Peptic ulcer" ama cudurka wadnaha ku dhaca ee la yidhaa "Angina pectoris", iagoo markaa aan dawooyinkaasi xanuunkii dhabta ahaa ee astaamahaa lahaa waxba ka qaban, sidaa darteed jidhka dadka ayaa sameeya awoodda ay dawooyinka quwadoodu cudurka ku bogsiinayso. 

Hadii uu qofku si xoog leh u aamino in dawada u qaadanaya wax u tarayso oo u sidaa niyadiisa geliyo, waxtarkeedu wuu weynaanayaa.

Iyadoo wakhtaan xaadirka ah ay dadku caadaysteen inay iyagu isdaweyaan oo ay iyagoo aan dhakhtar u tegin ay farmasiyada siday doonaan uga iibsadaan dawooyinka, waxa halkaa ku sugan khatar weyn, matalan hadii uu qofku mar keliya wada qaato shan ama lix dawo oo kala jaad ah, marka ay jidhka isugu tagaan waxaas oo dawo ihi ee ay is dhex galaan, waxa halkaa ka dhalan kara waxa loo yaqaan "Chemical interaction", taas oo macneheedu yahay isdhex-glalka maadadaha kimikalka ah oo laga yaabo in ay ka samaysmaan maadado kale oo kimikal ah oo qaarkood isu bedeli karaan maadado sun ah oo qofka halis gelin kara, tusaale ahaan hadaan u soo qaadano, alkoolka "Alcohol" iyo dawooyinka maskaxda dejiya ee loo yaqaan "Tranquilizers" ama "Barbiturates" hadii ay caloosha bani aadamka mar qudha wada galaan waxa laga yaabaa inay keenaan dhimasho. Waxa iyaguna jira dawooyin farabadan oo aan is qaban karin, sidaas awgeed waxa had iyo jeer haboon in ay dadku ka taxidiran dawo-qaadashada iyagoon la tashan dhakhtar ama farmasist.

La soco

Top


Waa tuma dawladda Habooni?

Sidee lagu gaadhaa ama lagu helaa dawladda haboon?

Laga soo bilaabo xilligii gobanimada laga qaatay Ingiriiska, marnaba lama helin dawlad ka turjunta rabitaanka dadweynaha, ha ahaato kuwii la doortay ama kuwii afgembiga ku qabsaday xukunka. Dawladihii ina soo maray, si ay u gaadhaan danahooga shaqsiyadeed, dhamaantood waxa ay ka faa’iideysteen gol-daloolooyinkii jiray sida; qabyaaladda, nin jecleysiga iwm, kuwaasi oo ilaa maantana jira.

Haddaba, iyada oo dhibaatooyin badan la soo maray, nasiib wanaagna ay mar kale dadweynuhu fursad u heleen in ay doortaan dawlad gaadhsiin karta horumar loo aayo oo dhinac kasta ah, waxa haboon in la isweydiiyo sida lagu heli karo dawlad haboon, oo dadka iyo dalkaba ka saarta marxalada adag ee lagu jiro.

Si loo helo dawlad haboon, waxa lagama maarmaan ah in la fahmo, lana garto xilka iyo waajibaadka qof walba saaran. Sidoo kale, waxa iyana lagama maarmaan ah in lagula xisaabtamo musharixiinta (Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka), barnaamijka ay dalka ku hogaamin doonaan muddada ay xilka hayaan.

Haddaba, halkan waxa aanu ku soo bandhigeynaa barnaamijka uu Ururka Qiimeynta Waxqabadka Dawladda & Horumarka Bulshada isleeyahay waxa lagu gaadhi karaa ama kasban karaa Dawlad Haboon, oo dadka iyo dalkaba anfici karta, sida ku cad qodobada hoos ku xusan:

2) Mabda’a
Shacbiga Somaliland diin ahaan waa dad muslim ah, waxana aynu ognahay in Islaamku ilaaliyo Diinta, Nafta, Maskaxda, Sharafta iyo Maalka qofka. Sidaa darteed madaxda ay dooranayaan waa in ay ahaadaan kuwo ay ka muuqato dhaqan wanaag, hufnaan, dhawrsanaan iyo ku dhaqanka diinta, isla markaana fuliya wixii diintu ku waajibisay, sida ku cad dastuurka dalka qodobkiisa 5aad, kaasi oo dhigaya:

  1. Diinta qaranka Somaliland waa Diinta Islaamka; waxana geyiga Somaliland ka reeban faafinta diin aan ahayn Diinta Islaamka.

  2. Xeerarka dalka waxa laga qaadanayaa Shareecada Islaamka; waxana reeban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda

  3. Dawladdu waxa ay oogeysaa shacaa’irta diiniga ah (umuurta diinta); waxana ay fulineysaa axkaamta Shareecada. Sidoo kale waxa ay ka hortegeysaa fisqiga iyo anshax xumada

  4. Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan Islaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada

Qodobkan dastuuriga ah lama dhaqan gelin, waxana taa sabab u ah, iyada oo madaxda dalku aanay ahayn kuwo ehel u ah ku dhaqanka Diinta Islaamka.

3) Koobida Wasaaradaha iyo Hay’addaha Madaxa Bannaan
Wasaaradaha dalka ka jira ma aha kuwo lagu saleeyey baahida dalka, fuliyeyna hawlihii loo aasaasay. Waxa ay ku sifoobeen hay’addo ay beelo leeyihiin, halkii looga baahnaa in ay fuliyaan hawlihii loo abuuray.

Dhaqaalaha dalka, baahida iyo tirada wasaaraduhu ma aha kuwo isku sar go’an, waxana jira wasaarado badan oo aan loo baahnayn. Si loo baajiyo ama loo tashiilo kharashka badan ee ku baxa wsaaradaha aan loo baahnayn, waxa haboon in tirada wasaaradaha lagu soo koobo 14 wasaaradood, marka la isku celceliyo.

Waxa iyana aan loo baahnayn Wasiiru dawle iyo Wasiir ku xigeen aan dhaqaalaha dalku qaadi karin, iyada oo hawsha Wasiir ku xigeenka uu qaban karo Agaasimaha Guud. Sidoo kale, si kor loogu qaado waxqabadka wasaaradaha isla markaana uu u noqdo mid muuqda, waxa haboon in wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa banaani si joogto ah u sameeyaan una soo bandhigaan warbixin saddex biloodle ah oo ku saabsan xisaab-xidhka iyo waxqabadkooda, si dadweynuhu ula socdaan hawlaha wasaaradaha iyo hay’adduhu fuliyaan. Wasaaradaha iyo Hay’addaha loo baahan yahay waxa ay kala yihiin:

Wasaaraddaha

  1. Wasaaradda Arimaha Dibeda

  2. Wasaaradda Arimaha Guadaha

  3. Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo Hiddaha & Dhaqanka

  4. Wasaaradda Gaashaandhiga

  5. Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Dib u dejinta

  6. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

  7. Wasaaradda Maaliyada

  8. Wasaaradda Beeraha iyo Kheyraadka dabiiciga ah (beeraha, kaluumeysiga, xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga)

  9. Wasaaradda Boostada, Isgaadhsiinta iyo Duulista Hawada

  10. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha

  11. Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciyaaraha

  12. Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqaalaha

  13. Wasaaradda Qoyska iyo Arimaha Bulshada

  14. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Hay’addaha

  1. Hantidhowrka Qaranka

  2. Komishanka Shaqaalaha

  3. Bangiga Qaranka

  4. Wakaaladda Biyaha

  5. Wakaaladda Xoogga Korontada

  6. Wakaaladda Dhismaha Wadooyinka & Qorshaynta Magaalooyinka (Highway & Town Planning Agency)

4) Shaqaalaha & Ciidamada
Waxsoosaarka iyo nabadu waa laba shay oo mataano ah, waxana ay ku xidhanyihiin hadba sida loo daryeelo shaqaalaha iyo ciidamada. 

Shaqaalaha iyo Ciidamada Somaliland ma helaan xuquuq iyo daryeel ku filan (eeg shaxanka 4.1), taasina waxa ay lid ku tahay ama ka soo horjeedaa dastuurka dalka qodobkiisa 20aad farqadihiisa 3aad iyo 5aad kuwaasi oo odhanaya

  1. Shaqaaluhu waxa ay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxana ay qof ahaan ama urur ahaan gorgortan la geli karaan looshaqeeyaha, waxana reebban shaqada oo la isku khasbo.

  2. Shaqaalaha dawladda iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxa ay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalamada bukaanka ama shilka iyo kaalamada qofka ku naafooba oo xeerka waafaqsan.

Tan iyo markii la aasaasay ciidanka qaranka, waxa aad hoos ugu sii dhacaysay haybaddii iyo kala dambayntii ciidan, taasi oo ay ugu wacantahay maamul xumo iyo qorshe la’aan. Waxa iyana muhiim ah in ciidanku lahaado darajooyin iyo abaal marino, madaxda ciidankana lagula xisaabtamo waxqabadkooda. Taasi waxa ay meesha ka saaraysaa niyadjabka madaxda ciidanka ka soogaadha marka xill laga qaado haddana dib loogu soo celiyo sabab la’aan.

Sida ku cad miisaaniyada dalka ee sanadka 2002, mushaharka shaqaalaha loo qoondeeyey ma aha mid la socda heerka ay marayso maciishada dalku.

Waxa iyana muhiim ah in la ogsoonaado in qofka shaqaalaha ama ciidanka ah qoyskiisu ka sugayaan daryeel guud (hoy, hu’, quud, biyo, nal, dawo, waxbarasho iwm), mushaharkiisa oo aad u hooseeya darteedna waxa ay qofka ku kelifeysaa in uu raadsado qaab ama hab kale oo uu noloshiisa iyo ta qoyskiisaba ku maareeyo.

Waxa isweydiin mudan hawsha uu qaban karo marka Agaasimuhu mushahar ahaan u qaato $1.4 malintii, halka Waardiyuhuna ka qaato $0.57 maalintii? Maxaase loogu talo galay in uu ku noolaado? Tani waxa ay ka dhigan tahay ‘kuu quudhi maayee adigu qaado’.

Haddaba, si loo helo shaqaale iyo ciidan tayo leh, waa in loo huraa mushahar ay ku noolaan karaan (eeg shaxda 4.2) iyo xuquuq ay helaan wakhtiga hawl-gabka. Sidoo kale si kor loogu qaado wax soosaarka shaqalaaha, waxa lagama maarmaan ah in labada gelinba la shaqeeyo, sida ummadaha kaleba u shaqeeyaan, laguna soo koobo tirada shaqaalaha dawladda 3,124 halka ay ka yihiin 4,472 oo shaqaale (eeg shaxanka 4.2).

Mushaharka Ciidamada: $11,300,000
Wadarta Guud (Shaqaalaha & Ciidamada) $16,998,800
Fiiro gaar ah: Illaha dhaqaale ee ay ka soo baxayaan kharashka ku baxaya shaqaalaha iyo ciidamada waxa aanu ku qeexi doonaa qeybta kobcinta dhaqaalaha.

5) La Dagaalanka Musuq-maasuqa
Musuq-maasuqu waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu waaweyn ee hor taagan in ay ummadu horumar gaadho.

Somaliland musuq-maasuqa ka jira waxa uu gaadhay meel aad u saraysa, taasi waxa ay sababtay in hanti badan oo dalka u soo xeroon lahayd lunto. Waxyaabaha keenay ama sababay musuq-maasuqa dalka ku baahay waxa ugu weyn iyada oo shaqaalahu ayna helin mushahar, xuquuq iyo daryeel ku filan, iyo hay’addahii sharciga oo aan shaqadoodii ka soo bixin, hay’addahaas waxa ka mid ah:

  1. Maxkamadaha, 

  2. Booliska 

  3. Iyo Hantidhowrka. 

Haddaba, si loola dagaalamo musuq-maasuqa waxa haboon in marka hore la daryeelo shaqalaaha dawlada, lana siiyo mushahar ku filan iyo hay’adaha sharciga oo lagula xisaabtamo xilka ay ummada u hayaan. Waxa iyana lagama maarmaan ah in hantidii umadda ee la lunsaday la soo celiyo, isla markaana dadkii lunsaday maxkamad la soo taago. Taasi waxa ay badbaado u noqonaysa in la lunsado hantida ummada.

Shaxanka 4.2 (Tirada iyo Mushaharka shaqaalaha)

Magaca

Mushaharka

Tirada shaqaalaha

Mushaharka Sanadkii

Qeybta 1aad Gudoomiye H/Dhawre guud Garsoore Maxk. sare Agaasime guud Xisaabiye guud Xeer Ilaaliye Guud

  $400 (bilow) ilaa $500

  27

        $129,600

Qeybta 2aad Agaasime Garsoore Maxk. Hoose

 $300 (bilow) Ilaa $400

 97

        $349,200

Qeybta 3aad A

$200 (bilow) Ilaa $300

600

       $1,440,000

Qeybta 4aad B

$150 (bilow) Ilaa $200

1,500

       $2,700,000

Qeybta 5aad C

$100 (bilow) Ilaa $150

400

       $480,000

Qeybta 6aad D

 $100

500

       $600,000

 Wadar Guud:

 --------

 3,124

             $5,698,800

Shaxanka 4.1      (Mushaharka iyo Gunada Shaqaalaha Dawladda)        

Magaca

Mushaharka SLS

Mushaharka $

Mushaharka uga  sareeya

Mushaharka ugu hooseeya

 Sahqaalaha

 19,180,015,000

 2,997,000

 300,000 SLS ama $42.85

 120,000 SLS  ama $17.14

 Ciidamada

 30,994,968,000

 4,843,000

 300,000 SLS ama $42.85

 150,000 SLS ama $21.43

 Wadar guud

 50,174,983,000

 7,840,00

 ----------

 

Top


Maareeyihii Wershada Laydhka Hargeysa Oo Xilka Laga Qaaday

"Inaan Hawshaydii gudan kari waayay iyo in kale waxaan jawaab ka sugayaa shacbiga Hargeysa" Inj. Cabdi Cali Barkhad

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xilkii ka qaaday maareeyihii Wershadda laydhka ee Hargeysa, Eng. Cabdi Cali Barkhad, wuxuuna u magacaabay jagadaasi Xuseen Cali Warsame oo ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay shalay soo saartay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale. Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta soo saaray laba xeer Madaxweyne oo kala ah xil ka qaadis iyo magacaabis, waxa uu xilkii uu Qaranka u hayay ka fadhiisiyay maareeyihii hay’adda korontada Eng. Cabdi Cali Barkhad, waxaana uu u magacaabay jagadaasi Xuseen Cilmi Warsame oo ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada JSL."

Dhinaca kale, maareeyaha xilka laga qaaday ee wershada laydhka Eng. Cabdi Cali Barkhad ayaa qoraalka xeerka ah ee lagaga qaaday xilka soo gaadhsiiyay xalay xarunta shebekadda Haatuf, wuxuuna qoraalkaasi u qornaa sidan:

"Waxan aad iyo aad kuugu mahadinayaa muddada aad xilka haysa, hase ahaatee markii aad gudan kari-weyday xilka aad Qaranka u haysay, waxaan gartay inaan kaa qaado oo aan u dhiibo cid kale oo hanan karta. Waxaanan ku farayaa inaad si niyad-sami ah xilkii aad haysay ugu wareejiso Xuseen Cali Warsame oo aan u soo magacaabay xilkaas isaga ah."

Laakiin Eng. Cabdi marka uu keenay qoraalkaa wuxuu diiday inuu wax jawaaba ka bixiyo eedaynta loo cuskaday xil ka qaadistiisa. Hase yeeshee, wuxuu yidhi, "Wax kaleba ha lagu eedeeyo, laakiin maan filayn in laygu eedeeyo wuxuu gudan waayay hawshiisii, aniga oo habeen iyo maalin hawshayda diyaar u ah oo weliba ay jirtay in horraantii sannadka shir golaha wasiiradu ay fadhiyeen uu soo jeediyeen iskuna raaceen in billad sharaf abaal-gud ah lay siiyo, iyadoo laygu qiimeeyay sida aan hawshayda u gutay, arrintaas oo ay golaha wasiiradu isku raaceen, balse aan ilaa hadda laysiin, taasuna waxay markhaati u tahay sida aan hawshayda iyo xilka aan hayay u gudanayay. Waxayna beeninaysaa qoraalka loo cuskaday xil ka qaadistayda.

Laakiin shacbiga reer Hargeysa ayay u taalaa oo aan jawaab ka sugayaa." Sidaa waxa yidhi Eng. Cabdi Cali Barkhad, wuxuuna intaa ku daray inaanu hadda isagu ka hadlayn waxyaabaha xilka lagaga qaaday, balse uu wixii jira shir-jaraa’id kaga hadli doono.

Top


3-da Xisbi Ee UCID, UDUB Iyo KULMIYE Oo Tallooyin Wada-Jir Ah Ka Bixiyay Qorshaha Doorashada

Hargeysa (Haatuf): Saddexda xisbi ee UCID, UDUB iyo KULMIYE oo ah saddexda xisbi ee ku tartamaya hoggaanka dalka ayaa talooyin wadajir ah ka bixiyay qorshaha ku talogalka hawsha doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dhacdo badhtamaha bisha April ee foodda inagu soo haysa, waxayna talooyinkaa hoosta kaga xariiqeen qoraal ay wadajir ugu saxeexan yihiin wakiilo ka kala tirsan saddexdan xisbi oo shalay saxaafadda loo qaybiyay.

Laakiin talooyinkan ay xisbiyada siyaasaddu wadajirka u bixiyeen waxay ka dambeeyeen kulan 14-kii bishan ay isugu yimaadeen wakiilo ka kala socda saddexda xisbi ee UCID, UDUB iyo KULMIYE, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Guddiga doorashooyinku, iyadoo ay kulankaas qabanqaabisay Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland oo ay xarunteedu tahay Hargeysa, waxayna wakiilada saddexda xisbi ee talada dalka ku tartamayaa qallinka ku duugeen heshiis talo-bixin ah oo 7 qodob ka kooban, qoraalkaasna waxa xisbiga UDUB u saxeexay Axmed Aw Cismaan, sidoo kale xisbiga UCID waxa u saxeexay Axmed C/laahi Cawaale, halka uu xisbiga KULMIYE u saxeexay Maxamuud A. Jaamac, wuxuuna qoraalkaasi isagoo dhammaystirana u qornaa sidan:

Bishan March 24-dii, 2003-da, kulan Akaademiga nabadda iyo horumarku qaban-qaabiyay oo ay isugu yimaadeen xisbiyada; UDUB, KULMIYE iyo UCID; isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen guddida doorashadu, oo lagaga wadahadlayay arrimo la xidhiidha doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee inagu soo fool leh, waxa la isku af-gartay talo-bixinna lagu soo jeediyay:

  1. In si rasmiya looga qaado bendooda qaybaha ka midka ah gobolka Sool.

  2. Inay saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE iyo xukuumaddu qiimayn ku sameeyaan xaaladda nabadgelyo ee gobollada Sool iyo Sanaag-Bari.

  3. Muwaadiniinta Sool iyo Sanaag-bari, waxay xaq u leeyihiin inay helaan duruuf bed qabta oo ay codkooda ku dhiibtaan, kuwaas oo uu ammaanku saldhig u yahay, xilna ka saaran yahay xukuumadda.

  4. Ciidamada ajnebiga ah ee ku sugan meelo dalka ka mid ahi, sida Ceel-Afweyn waxay carqalad ku yihiin nabadgelyada dalka iyo ololaha doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaanu soo jeedinaynaa in ciidamadaa dalka laga saaro, habka iyo waqtigana ay ka wada tashadaan saddexda xisbi iyo xukuumaddu.

  5. In saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ay soo wada saaraan baaq ay Sool iyo Sanaag-bari ku gaadhsiiyaan farriin ay ka midaysan yihiin oo ah; doorasho xaq ah, madax-bannaan oo si nabadgelyo ah ku dhacda.

  6. In ay xukuumaddu ilaa dhammaadka bishan March, caddayso dhulka ammaankiisu sugan yahay.

Haddii ay xukuumaddu waqtigaa ku cadayn weydo, Guddiga doorashadu waa inay soo saartaa liiska goobaha aanay cod-bixintu ka dhici karayn."

Top


Ciidamada Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Habqankoodu Ku Kala Lumay Saxaraha Ciraaq

Dhaawac, Dhimashada iyo askarta nolosha lagu waayay oo tiro beelay

Baqdaad (W. Wararka) ugu yaraan 16 askari oo ka tirsan ciidamada xulafada ah ee dagaalka ka wada Ciraaq ayaa la laayahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Sida ay sheegeen wakaaladaha wararku 12 ka mid ah askartaas la la’yahay waa ciidamada badda ee maraykanka, 6-da kalena waa Ingiriis kuwaas oo ka mid ah ciidamada dagaalka ka waday Ciraaq, gaar ahaana koonfurta Ciraaq.

Iyada oo ay weli sii socdaan dagaalka xulafada ayaa waxa kale oo sii siyaadaya dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhaya ciidamada Xulafada. Ugu yaraan afar ka mid ah ciidamada Ingiriiska ayaa sida la sheegay ku dhintay agagaarka magaalada Basra. 

Masuul sare oo ka tirsan Maraykanka ayaa iyaguna dhinacooda sheegtay iney dileen ilaa iyo hadda ciidamo ciraaqiyiin ah oo gaadhaya 50, halka ay qaar kaloo badana ka dhaawacmeen.

Maalintii shalay ayaa meydka askarta Ingiriiska ayaa laga dejiyey saldhiga saldhig ciidamada Ingiriiska oo ku yaala Oxford Shire. Waxa kale oo soo baxaya warar ay faafisey Reuters oo sheegaya in Maraykanku hakiyey muddo maalmo ah dagaalkii ay ka wadeen gudaha Ciraaq, balse waxa taa beeniyey masuuliyiin Maraykan ah, laakiin waxa la sheegay in horusocodkii ciidamada xulafada ay hakiyeen difaac adag oo kaga yimid ciidamada Ciraaq.

Wasiirka warfaafinta ee Ciraaq oo maalintii shalay ka hadlayey shir jaraa’id ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay ku dhinteen Ciraaq magaalooyinka Ciraaq oo kala ah Baqdaad 68 qof 107 ay ku dhaawacmeen Karbala oo ay ku dhinteen 6 qof 52-na ay ku dhaawacmeen, halka Nejef ay ku dhinteen 35 qof 120 kalena ku dhaawacmeen, iyada oo ay tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaaladaasina ay maalinba maalinta ka dambaysa sii siyaadayso.

waxa habeenimadii xalay sii socday duqeynta dhinaca cirka iyo gantaalaha ee ay xulafadu la beegsanayaan magaalooyinka Ciraaq, gaar ahaana magaalada Baqdaad.

Dhinaca kale gantaal aan la sheegin meesha laga soo riday ayaa ku dhacay magaalada Kuwait ee dalka Kuwait, iyada oo gantaalkaas la sheegay in gantaalkaas laga soo riday dalka Ciraaq inkasta oo aanay Ciraaqiyiintu sheegin inay gantaalkaas soo rideen. Iyada ay wararku intaa ku darayaan in sidoo gantaalo lagu soo riday meelo ka mid ah dalka Sacuudi Arabiya, kuwaas oo aan la sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen. Laakiin la sheegay in walaac ku rideen dadka rayidka ah ee sacuudiga, isla markaana aan la gara garanayn meesha laga soo riday gantaalayaashaas.

Top


Gudoomiyaha UCID Oo Socdaalo Gaallaa-Bixinaya Deegaamada Galbeedka Hargeysa 

Gebilay (Haatuf): Guddoomiyaha xisbiga UCID, ahna musharaxa madaxtinimada ee xisbigaasi Faysal Cali Waraabe oo ku gudajira ololaha doorashada ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay socdaalo ku soo maray degmada Gebilay iyo degaanada hoos yimaada.

Guddoomiyaha oo hoggaaminayay wefti ballaadhan oo ka tirsan Madaxda xisbigaasi waxa ay socdaalkooda ku mareen goobo ay ka mid yihiin degmada Gebilay, Arabsiyo, Wajaale, Kala-baydh iyo meelo kale, goobahaas oo dhammaantood si weyn loogu soo dhoweeyay guddoomiyaha iyo weftigiisa.

Khudbado kala duwan oo uu Faysal Cali Waraabe uga jeediyay dadweynaha goobbahaa uu marayay waxa uu uga warramay barnaamijkiisa doorashada iyo qorshaha uu ugu talogalay inuu dalka wax ugu qabto haddii la doorto. Waxa kale, oo uu ka warramay marxaladda uu dalku marayo haatan iyo guud ahaanba axsaabta Siyaasadda.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu si gaar ah uga hadlay dhinaca beeraha, maadaama degaankaa uu marayay uu hodan ku yahay dhinaca wax-soosaarka beeraha, waxaanu ballan-qaaday inuu si weyn wax uga qaban doono dhinaca beeraha haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtinimada.

Sidoo kale, waxa la filayaa inuu guddoomiyaha xisbiga UCID booqasho tan la mid ah ku soo maro degaano kale sida Fara-weyne, Balli-gubadle iyo meelo kale.

Top


Nidaamka Goobaha Cod-bixinta

Marka la qabanayo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka, waxa dalka loo qaybinayaa gobolo doorasho (Electoral Regions) oo loo sii qaybiyey goobo cod-bixineed (Polling Stations) iyadoo la raacayo sida waafisan sohdimaha gobollada dalka, ee ku qeexan qodobka 9aad ee xeerka doorashada iyo qodobka 7aad ee xeerka maamulka gobollada iyo degmooyinka.

Awoodaha Gudoomiyaha Goobta
Gudoomiyaha Goobta, Waxa Waajib ku ah:-

  1. Inuu feejigan iyo indho-furan yeesho oo si taxader leh u ilaaliyo, una dhawro nidaamka inta doorashada iyo tirinta codadku socoto.

  2. Booliska ayuu amri karaa inuu qof goobta dibedda uga saaro ama in la qabto qof gef ku sameeyey hawsha doorashada ama qof waali ka muuqato ama qof aan codeynba xaq u lahayn.

  3. Booliska iyo cid kale toonna looma ogolaan karo iney soo galaan gudaha goobaha cod-bixinta, haddii aanu gudoomiyaha goobtu amrin ama ogolaan.

  4. saraakiisha booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa ku waajib iney fuliyaan codsiyada gudoomiyaha goobta, si loo hubiyo in si dhibyar codka loo bixiyo.

  5. Waa in laga digtoonaado oo ayna dhicin in lagu ururo miishka hawl-wadeenada doorashada ama si qaab darro ah loogu xoomo goobta gudaheeda ama agteeda.

  6. Gudoomiyaha goobtu waa inuu soo dhaweeyo wakiiladda axsaabta, una sahlo iney si joogto ah ula socdaan ugana qayb galaan habsami socodka hawlaha doorashada, iyada oo la fadhiisinaayo meel habboon oo ay kala socon karaan hawlaha doorashada.

Habaynta Goobaha
3 Goobaha cod-bixinta, waa iney lahaadaan laba qol ugu yaraan, iyadoo loo habaynaayosida ku cad qodobka 39aad iyo 42aad, isla markaasna laga tababuusheyso iftiinka ama nalka loogu baahan yahay.
Dhawrista Nidaamka iyo Adkeynta Nabadgelyada Goobta
1 In si buuxda loo raaco tilmaamaha iyo tusaalooyinka nidaamka cod-bixinta ee ku faah-faahsan qodobka 47aad ee xeerka doorashada, iyadoo mar kastaba laga fogaanaayo, lagana gaashaamanayo khaladaadkii iyo.

  1. Cod-bixinta oo lagu noq-noqda iyo khadka oo la iska maydho ama saliid leyskaga tiro la soo marsado.

  2. Sidasho waraaqo been abuur ah oo ka duwan kuwa cod-bixinta

  3. isku dayid khiyaamo kale

  4. Khal-khal gelin nidaamka doorashada

  5. Is-hor-taag ama haddidaad lagula kaco cod-bixiyayaasha.

Baraarujin
Taariikhda doorashada ka hor in si dhab ah loo dhuuxo, loona fahmo qodobadan ahmiyadda weyn leh ee isku xidhaya habsami, u fulinta hawlaha doorashada.
Qodobada 42, 43, 44, 45, 46, 47, 48, 49, 50, 51, 52, 53, 54, 55, 57, 58, 60, 63, 64, 65,.

Top


Waa In Beelaha Somaliland Ay Guurti Cusub Soo Dhistaan

Anaga oo tixraacayna bayaankii Somaliland Forum ee Maandeeq ku soo baxay cadadkii 1031-kii 6/03/03, ee cinwaankiisu ahaa talo soo jeedin Somaliland Forum ee habka soo xulista Guurtida, waxay yidhaahdeen iyaga oo naqdiyeya xeerkii soo xulista Guurtida ee xukuumaddu soo saartey:-

"Cida xuleysa xubnaha golaha Guurtida aad iyo aad baanu uga soo horjeednaa, qodobka mashruucan xeer ee ku saabsan guddi u magacaabo madaxweynuhu oo iyagu markaa soo xusha golaha Guurtida waayo taasi waxay ka horimanaysaa nidaamkeenii dawliga ahaa, ee saddexda awoodood ee kala madaxa banaan ku dhisnaa. 

Habka qaybsiga kuraasta golaha Guurtida waxaanu raacsanahay soo jeedinta ah in xiligan la gelayo doorkii labaad ee dastuuriga ahaa kuraasta golaha lagu qaybsado qaab saamiyeedka uu goluhu hadda ku salaysan yahay, iyadoo beelaha laga soo xuli doono tirada hadda kaga jirta golaha. Doorashooyin badan ayeynu sanadkan ku jirnaa xisbiyadiina, weli waa curdin, markaas bal hadda aynu sii hayno qaabka golahani uu ku dhisanyahay oo ah kii inoo keenay xasiloonida iyo nabadda wadamo Afrikaan ah oo ay Uganda ka mid tahay sidii madax dhaqameedkoodu uga qayb geli lahaayeen dhismaha dawladda, markaas yeynaan ku deg degin ineynu golaha Guurtida ku soo doorano sida kan wakiiladda. Hase yeeshee sida aynu hoos ku qeexayno waxaynu soo jeedinaynaa in sanadkan soo socda arrintaa aad looga wada hadlo, oo la eego sidii aynu wax uga bedeli qaabkan doorashooyinka Guurtida, inagu soo beegan ee 2003.

Doorashada Guurtida
Hore waxaan u soo joognay in qaabka doorashada Guurtida u dhacayaan noqdaan qaab aan toos ahayn, (Indirect Election), sidaas darteed waxa aan qabnaa in doorashadaas aanay samayn guddi laakiin ay sameeyaan ergo doorasho (Electoral College), ergadaas oo xeerka doorashada Guurtida lagu soo daro, waxay ka koobnaanayaan:-

  1. a. In marka hore beelaha saamiyadda ku leh golaha Guurtida loo celiyo beelkasta saamigeeda loona cadeeyo in ay xubno cusub oo guurti ah soo dirtaan, tusaale ahaan beesha Ayuub waxay leedahay saddex xubnood, ee muddo bil ah haku soo magacawdaan"

  2. In xubnaha beel kasta oo Guurtida ka mid noqonaya ay soo saxeexeen madax dhaqameedyada beeshaas oo ay hogaaminayaan salaadiinta iyo caaqilada ardaayadda oo isku dhan.

  3. In aqbalida iyo ansaxinta xubnaha cusub ee golaha Guurtida lagu soo hooyo, 

    1. 30 Xubnood oo salaadiinta beelaha Somaliland ka kooban oo madax-dhaqmeeyada beelaha oo dhanna kalisoonidadooda haysta, guurtidu maadaama ay yihiin kuwii la bedelayey soo xulista Guurtida dambe kaalin kuma yeelanayaan. Guddida doorashooyinkuna waxay ku mashquulsanyihiin doorashadii madaxtooyadda, golayaasha deegaamaduna waa curdin oo kama qayb geli karaan soo xulista Guurtida.

    2. Guddi aqoonyahano sida xubno Somaliland forum ka socda, oo salaadiinta ku caawiya hawlaha xulista guuritda.

  4. Intaas oo guddi qudha isku ah ayaa muddo bil ah isugu imanaya shir wada tashi iyo soo xulista xubnaha golaha Guurtida ee cusub.

  5. Shirka qaabkaas ah waxa abaabuli kara golaha Salaadiinta oo kalsooni ka haysta beelaha Somaliland.

Haddaba inaga oo tixgelinayna talada Somaliland Forum ee aynu kor ku soo sheegnay waxa inala gudboon oo keliya inaynu guurti cusub dhisano, taas oo beelaha soo dhisayaana sida kor ku xusan noqonayso. Maxaa yeelay Guurtidu is-waafajinta qaab dhismeedkeena bulsheed iyo nidaamkeena dawladeed ee xisbiyada tartamaya ku dhisan, is-waafajintaas labadaa qaab dhismeed ayey inta badan qaramada dunidu ku sameeyaan qaab dhismeedkooda dawladeed, tusaalena waxa kuugu filan dawladda boqortooyadda Ingiriiska oo ah dawladda ugu cimriga dheer dawladahan casriga ah, waxay leedahay gole u taagan nidaamkoodii bulsheed ee hore iyo gole u taagan nidaamkan dimuqraadiyadeed ee doorashada toos ah ku salaysan. Somaliland-na waxa dan u ah in loo dhiso gole guurti oo cusub oo beeluhu soo doorteen, oo kalsooni shacab haysta taas oo haddii la yeelo bad-baado qaran samayn karta, marka golayayaasha wakhtigoodu dhamaadaan.

Cali Dool Axmed
Cali Qoryooley
Hargeysa 

Top


Sidee Baynu Uga Bixi Karnaa Duruufaha Siyaasadda

Doorashadii madaxweynennimada ayaa hadda si weyn olalaheedii uga socdaa gobalada Dalkeenna. Jamhuuriyadda Somaliland waxaa dhibaatooyin dhaqaale ka soo gaadheen xayiraaddii xoolaha nool ee loo diri jiray dalka Sucuudi Areebiya. Xidhitaankii siyasadeed ay xidhay xadka dawladda Itoobiya oo ah saaxiibka kobaad ee Somalilandna wuxuu sababay dhaawac labaad oo ku yimaadda dhaqaalihii dalka iyo ganacsato badan oo reer Somaliland ah oo halkaa ku addun belay.Waxaa kale oo soo socda duruufo aan la malayn Karin oo dhaqaale sababna ay u noqon doonto dagaalka cusub ee ka curtay xulafada Mraykan iyo dawladda Ciraaq. Intaasoo is wada biirsatay ayaa reer Somaliland fursad u ah inay doortaan madaxweynihii dalka ee wax ka qaban lahaa xaladahaa adag ee dhaqaale. 

Tartanka doorasho oo dhexyaalla seddex murashax oo ka soo kala jeeda xisbiga (Udub) oo ah ka madaxweynaha mudane Dahir Rayaale Kaahin, (Kulmiye) oo ah xisbiga mujhid Axmed Maxamed Maxamud "Silaanyo" iyo (ucid) oo ah xisbiga Faysal Cali Waraabe.xaaladaha adag ee taagan iyo duruufaha inagu soo fool leh , waxaa lagama maarmaan ah in kafad iyo miisaan la saaro murashaxiinta laguna qiimeeyo xirfaddooda isla markaasna lagu kala doorto qodobada soo socda :-

  1. Khibrad dheer oo siyaasadeed.

  2. Khibrad dheer iyo aqoon cilmiyaysan oo dhaqaale 

  3. Khibrad hogaan ummadeed ama madaxnnimo.

  4. Iyo ugu dambayn miisaan mas’uuliyadeed.

Sidaynu la wada socono , dib ula soo noqoshadii qarannimadeena Somaliland waxay 12 sannadood ku buuxsamaysa bisha may 18 keeda. Madaxweynaha maanta Somaliland looga baahanyahayna khibraddiisa siyaasadeedna shacabku muddu dheer tabaayay, waa inuu xambaarsanaada qodabadaan kor ku soo sheegay oo wax weyn ka taraaya aqoonsigeenna siyaasadeed iyo xallinta dhaqaale ee wakhtigan xaadirka ah inna haysta. Waxay ka dhigantahay shakhsi caadi ah oo meel shaqo ka soo raadsaday, had iyo goorna Adduunka dhammaantiis qofka shaqo doonka ah waxaa lagu xidha shuruudo khibradeed, qaar xirfadeed iyo inuu cilmi u leeyahay shuruudahaas xidhiidhna la leh shaqada u soo doontay iyo mudada u ka shaqeeyayba. 

Jamhuuriyadda Somaliland oo aan wali helin ictiraaf siyasadeed 12 sannadood oo gaw ah, madaxweynaha loo raba waa inuu khibradeeda leeyahay isla markaasna yaqanna luqaddii iyo baratakoolkii dibloomasinimadu lahayd ee lagu doonaayay aqoonsiga Somaliland. Siyaasaddii adduunka ee wakhtiyadan taagan waxaa ku yimid isbedello fara badan. Habkii iyo dariiqii aqoonsiguna waxay la socdaan siyasadaha addunka ee isbedbaddalaaya. Markaan u dhagaystay xaqiiq ahaanna aan aad darsay ballanqaadyada olale ee murashaxiinta madaxweynnimo, waxaan ogaaday in uu aqoonteedi cilmi ahaaneed, xirfadeedii iyo fahamkeedi siyaasadeedba uu leeyahay mujaahid Axmed Maxamed Maxamud "Silaanyo."

Mujaahid Silaanyo oo had iyo goor tilmaama inuu wax ka qaban doono musuqmasaqa xad dhaafka ah ee dalka, kaasi oo inaga hor taagan maal galinta dhaqaale ee dawladaha deeq bixiyaasha ah iyo kuwa daynka ama amaahda bixiya. Aqoonsiga siyaasadeed iyo maal galinta dhaqaale way wada socdaan, waana laba wax oo isku kaban marnabana aan la kala saari karin. Ictiraafkii Somaliland waxaa la socda maalgalin la galiyo Somaliland, dalalka deeqda iyo amaahdaba bixiyana waxay aad uga fogaadaan dawladaha ku dhaqma musuqmaasaqa iyaga ka oo hantidooda dhaqaale ka taxaddiraya kana warwaraaya. Waxayna sabab taa uga dhigeen dalalka musuqmaasaqu ka jiro in ay deeqda iyo daynka la bixiyaba musuqmaasaq ku khasaarinnayaan waxay aad uga digtoonaadaan daynkooda in dalalka dhaqaalahooda musuqmaasaqa in aanay bixin doonin amaahda la siiyaana. Sida darted haddaan hore loola socon, musuqmaasaqu waa carqaladda iyo caqabadda kobaad ee inaga hortaagan ictiraafkii siyaasadeed. 

Haddaan tusaale kale ka soo qaato eryada Silaanyo iyo siyaasdda xisbiga Kulmiyeba,in ay ku dadaalayaan culays laxaad lehna saarayaan sidii xoolaha Soamalialnd looga qaadi laha xayiraadda. Waxaa kale oo ka mid ahaa in uu dalka u samaynnaayo ilo dhaqaale oo dheeraad ah isla markaasna shaqo li’da si cilmiyaysan wax looga qabto. Haddaan tusaale ahaan mid ka mid ah u soo qaato qorshaha siyasadeed ee "Silaanyo" waxaa ka mid ahaa dakadda Berbera oo uu ballaadhin doono laguna daro koradhsiimo dheeraad ah, warshaddii sibidhka oo sida ugu dhakhsaha badan loo kiciyo loona doono maal galin dhaqaale iyo gobol kasta khayraadka u leeyahay in la saaro culays sidii loo soo saari lahaa loogana fa’idaysan lahaa munaafacaadkeeda, run ahaanna halkan kuma soo wada koobi karo.

Aqoonsiga siyaasadeed maaha warqad inoo saaraan miis dal, mana aha xafiis ay Somaliland arji codsi ku qoran yahay loo dirayo bal se waxay u baahantahay in madaxweyne khibradeedii leh loo doorto. Furasaddani waxay tahay in maanta dadweynuhu qalad horyaalla aanay qalad ku sixin, waayo dalka siyaasaddii dibadeed iyo siyaasadeennii guduhuba waxa y ku dhammaan doonaan marin soo xidhma oo meel looga baxa jiri Jamhuuriyadda Somaliland diyaar maanta uma aha in doonni shiraaclay ah oo dabayl ku shaqaysa, in aanay isku biimaynayn. Waxaa se muhiim ah in laga faa’daysto fursaddan qaaliga ah dalkana lagu aamino dadkii siyaasiyiinta ahaa, duurafahan dhaqaale ee dalka hore u soo gaadhay iyo duruufahan soo socda labada waa in aad loo tixgaliyaa dalkanna lagu aaminaa madaxwenihii cilmigeeda, xirfaddeeda iyo khibraddeedaba lahaa.

Maxamud Raghe
Toronto, Kanada 

Top


Quwadeenu Waxay Saaran Tahay Qaalin Layli Ah Somaliland Waxay U Baahan Tahay Guurti Cusub

Masuuliyadu waa wax culays ah, ha yaraato ama ha waynaatee, siday diinteenu ina fartay masuuliyada umada loo qaadaa,waa mid aan ilaahay kaa saamaxayn hadii aanad sideeda u fulin oo aanad oofin balanka aad qaado marka aad xil umadeed dusha u ridanayso. Masuuliyada markii la soo rogaayay waxaa loo soo bandhigay cirka, iyo dhulka, laakiin waydiideen.bini-aadanka ayaa dusha u ritay oo u badheedhay ina ay sideeda u qaadaan.

Hadaba sidaynu u jecelnahay in amaano la inoo dhiibto waxaad ka garan kartaa, siday dadku ugu hamiyaan in ay xil umad u qaadaan iyo in ay noqdaan hormoodka dadka ama bulshada, Waxa inoo muujinaysa sidaynu u dhayalsanomasuuliyada, xilkana ugu heelanahay, marka nin loo dhiibo masuuliyad qaran sida uu ugu farxaa masuuliyadaa loo igmaday, una dhayalsanaayo oo u daayacaayon hawlo badan oo ku wajahan meesha xilkeeda loo dhiibaymana qirsana in uu xil umadeed xanbaarsanyahay, waxa taa ku lida oo ah wax jira marka nin xil dooni uu waayo waxii uu rajaynaayay waxa ku dhaca wax kalsooni daro naftiisa u horseedaysa waxaanu dhaleeceeyaa cidii u dhiibi wayday iyo cida ka qaaday si aadana waa uu u maroora dilaacaa, Masuuliyada oo laga bilaabo qoys ilaa qaran ilaahay raga ku wajibiyay, waxa jirta hadana in aanay ragu sidaeeda uga soo wada bixin, Hadaan u soo noqdo gundhiga maqaalkan iyo u jeedada aan ugu goleeyahay...waxa su'aal la is waydiiyo ah SIDEE LAGU GARTAA MADAX WAYNAHA DHABTAAH, waxaan filayaa in su'aashaasi ina wada khusayso maanta oo aan marayno doorasho madax wayne.

Hadaba madax waynaha ma waxaa lagu doortaa, siyaasadiisa taariikhdiisa*qabiilkiisa * hantidiisa* aqoontiisa * iyo waayo ARAGTINIMADIISA SIYAASADEED* Muwaadin kasta oo wax garadi waa uu ogyahay jawaabta su,aashaasi in ay tahay*waxa lagu doortaa wax qabadkiisa iyo cadaalada ku dhaqan keeda cilmigiisa , siyaasadiisa, dacaadnimo iyo cilmiga diinta oo uu umada ku hago iyo waliba in uu ka dheeraado eex qabiil jelaysi. 

Waxaa lagu doortaa wixii laga arko ee uu usoo qabtay ee ah umada danteeda.waxaa intaa dheer oo lagu doortaa madax waynahaha balan qaadka uu balanqaadaayo oo uu oofiyaa.

Hadaba taniyo intii uu daahir riyaale xilka qabtaywax is badal oo horumara dalka kuma iman, xaqiiqdii, haday noqoto xaga siyaasada dibadaoo uu khuseeyo aqoonsiga soomaalilaand’ iyo xaga siyaasada gudaha oo aad la wada socotaanxaalada gobolada bari iyo faro galinta ciidamada shisheeyaha. Waxa kale oo madaxwayne rayaale intuu xilka hayay waxba aanay ka hirgalin wax yaabihii uu balan qaaday in uu qaban doono, waxa kaliya ee uu madaxwaynuhu fuliyay balanqaadyadisii aadka u badnaa mid keli ah, arinta maxkamadaha iyo isu badalka dadka. Laakiin dadka ku talax tagayb indho indhaynta maxkamadaha ayaa si aada uga dayriyay xaalada maxkamaduhu ku suganyihiin iyo raga uu madxwaynuhu u magacaabay maxkamadaha iyagoo ku sifeeyay in aanay haba yaraatee wax aqoona u lahayn garsoorka iyo shuuruucda caalamiga ah ee maxkamadaha. 

Dhanka kale intii uu daahir xilka hayay dalkii aynu isu fiicnaynn ee ethopia ee qirsanaa qaranimada soomaali laan hiiliyo hooba na ina la garab taagnaa ayaa si fudud xidhiidhkeenii isu dhalan rogay siayaasda madax wayne rayaale awgeed, Waxa kale oo jirta in uu madaxwaynuhu tagaydalka siniingaal, laakiin waxa dadbadani is waydiinayaan wixii uu Daahir kala soo kulmay siniingaaliyo waxa war sugan looga heliwaayay safarkiisa. Waxa uu Daahir Riyaale carqalad aan la dareensayn ku noqday xal u helidii aqoonsi uu dalkani helo iyo xidhiidhkii wadamada jaarkeena waxaanu madaxwaynuhu ku qanacsanyahay xilkiisa waxaanu ku dadaalayaa in uu kursiga sii xajisto waanu ka hawlyaraystay oo waa uu ka gaabsaday in ay s/laan hesho aqoonsi. Waxa Rayaale iyo xukuumadiisuba ay iska dhago tirayaan xaalada gobolada bari. Waxaanan odhan karnaa safarkii rayaale ee gobolada bari ma ahayn xogogaal u noqoshada xaalada goboladaas ee waxa uu ahaa afar uu daahir cabiraayay oo uu hubsanayay sida looga taageersanyahay bari ,taasina waxay ku tusaysaa in gobalkii sool ee shaqaaqadu ka qabsatayuu hubsaday in aanu haba yaraatee wax coda ka helayn doorashadii golaha deegaanka waxaanu ku soo rogay wax loogu yeedhay xaalad dagdaga oo ah doorasho kama dhicin karto,markaa umada waxaan u sheegayaa hadaan ahay ninka maqaalkan sooqoray in ay kala gartaan ninka ay talada ku aaminayaan waxa uu yahay iyo waxa uu qaban doono.

Waxa kale oo wax lala yaabo ah wasiiradan badan ee uu madax waynuhu magacaabaayo waxa ay qabanayaan , dadbadan ayaa u arka in wasiirudawlayaashan lagu doonaayo cod waxaase nasiibdaro ah siyaasada loo adeegsaday magacaabista waiiradan oo ah siyaasad sal fudud baqdin doorashana ay ka muuqato Hadaba haybadii dawladnimo ayaa noqotay mid aan la tix galin.

Saleebaan Maxamad Xasan {Suldaan} Burco

Top


Jilbo-Dhiig Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 11aad

Cudur daar: akhristayaashayada sharafta leh, gaar ahaan kuwa la socda sheekhadda Jilba-dhiig waxaanu uga cudur daaranaynaa waxoogaa is-dhaaf ah oo ku yimid taxanaha sheekada, taas oo si qalad madbici ah looga soo booday qayb kamid ah sheekadda, sidaa darteed ayaanu idiinku soo celinay anaga oo ka bilaabayna qaybtii 11aad, markaa naga raali ahaada.

Biixi ninkii uu mergiyada ku dhuftay ayuu tuurta u ritay isaga oo is leh ninku wuu gagabsanyahay’e ee intaad meel cidlo ah la tagto warayso, oo weydii xaaladda meesha ka jirta, laakiin markiiba naftaa ka haaday, ka dibna intuu qorigii uu sitay uu ka dul-qaatay ayuu colkii meel u dhaw ku gabaday oo uu xan dhageystay, wuxuuna maqlay iyaga oo af-soomaali si u yara badhxan ku hadlaya, hase yeeshee markii uu cabaar hadalkooda dhageystay ayuu hadalkoodii ka fahmay halka ay reerahoodii u guureen, isla markaana wuxuu sheekadooda ka gartay inay yihiin niman jabay iyo ku talo-galkooda berrito, taas oo ay ka sheekaysanayeen sida ay berrito duulaanka u qaadayaan iyo weliba hubka ay haystaan, sidoo kale wuxuu sheekadooda ka fahmay gurmadka u iman doona ee hiil iyo hooba siin doona, isaga oo halka ay reerahoodii jiraan ka gartay tilmaantii ay ka bixinayeen markii ay ka sheekaysanayeen halka cadawgoodu jiro. 

Sidaa darteed Biixi isaga oo tuurta ku sita qori qaaye leh oo uu ka dul-qaatay ninkii uu dilay ayuu halkii tilmaanta reeraha lagu sheegayey ku tibaday, ka dibna wuxuu sii guureeyaba goor habeen badh dambe ah ayuu ku soo baxay sanqadhii degmada, ka dibna intuu qunyar soo sanqadh-tirtay ayuu ku soo dhawaaday gaadhkii iyo kor-joogtadii reeraha dabadeedna markii matuulkiisa la arkay ayaa haan-saab gareeyey balse markiiba kor ayuu u qayliyey oo wuxuu yidhi "Waar waa ina Mooge...Waar Ina Mooge...", ka dibna wuu u soo galay waana la gartay, laakiin markii raggii soo dhex-galey ee si fiican loo gartay ayuu markiiba deg deg colkii u shiriyey oo uga waramay colkii uu soo arkay iyo sidii looga tashaday, isaga oo u sheegay in loo hub ciidan urursaday, wuxuuna yidhi "Waxay ku heshiiyeen in ciidanka laxaadkiisa, jidka sahaydu idiin soo marayso lagu gooyo, inta kalena laba loo qaybiyo oo ay labada qaybood midi dhinaca bari idinkaga dhufato ta kalena dhinaca galbeed, waxa kale oo qorshahoodu yahay inay si sanqadh la’aan ah oo gaade ah la idinku soo galo, ka dibna marka la idinku soo dhawaado la idin hareereeyo, sidaa darteed inta aanay inagu soo duulin waa inaynu kaga horeynaa oo aynu inagu galnaa."

Biixi waxa uu degmada yimid xili aad loogu baahanyahay dhalinyaro gaashaan qaad ah oo asagood iska celisa, sidaa darteed markiiba colkii ayuu wax ka horaan-qaaday iyadoo markiiba duulaan la lalabay, ka dibna cadawgii iyaga oo halkoodii fadhiya oo kala daadsan, isla markaana aan belaayo-ba burka ka filanayn oo iyagu doonaya inay berrito duulaan ayaa salaadii hore weerar gaadmo ah la geliyey, iyaga oo iska baraad la’ ka dibna inta dhinac walba lagaga dhuftay ayey noqdeen wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax cagaha wax ka deyey, isla markaana waxa laga furtay hub iyo saanad badan, intaa ka dibna gelin horeba iyada oo ay colkii Biixi guul xambaarsan yihiin ayey degmadoodii dib ugu laabteen, laakiin ismay dhigan ee markii ay guryahoodii tageen waxay bilaabeen tabaabulsho cusub oo ay ugu diyaargaroobayaan colaad kaga timaada nimankii dagaalku ka dhexeeyey, sidaa darteed wixii inan rag qori qaadi karayey debebadda reeraha ayey u baxeen, Biixina wuxuu hormood ka noqday raggii barbaartii aad loo tirsanayey ee gaashaan qaadka reerka ahayd sidaa darteed wuxuu ka mid noqday ragga colaada loo darbinayo.

Biixi markii uu muddo dhawr sanadood gaadheysa uu qorigu ku qalalay ee uu dhufeys ku jir ahaa, isla markaana ay isagii iyo qorigii isku engegeen ayey labadii beelood waan waani dhexmartay oo laga heshiiyey wixii dhacay, iyadoo wixii diyo ahna la kala qaatay, la iskuna dhaahiyey gabdho godob reeb ah, intaasi markii ay dhamaatay ayuu Biixi xusuustay wixii uu u socdey, ka dibna wuxuu go’aansaday inuu odaygii aabihii u sheegto dantii uu socday, ka dibna habeenkii dambe ayuu aabihii oo ardaa fadhiya soo ag-fadhiistay, waxaana halkaa ku dhexmaray woxoogaa haasaawe iyo iswareysi u badan.

Run ahaantii Biixi muddadii dhawrka sano ahayd ee uu reeraha joogay, inkasta oo ay ayaamo colaadeed ahayd aad ayaa loo bartay ilayn berrigii hore inan yar buu ahaaye, wuxuuna noqday nin aad looga hadal hayo bulshadii reer miyiga ahayd ee uu dhex-joogay, laakiin Biixi geesinimadii uu ka muujiyey dirirtii labada reer oo keliya lagu majeeran ee waxa kale oo uu noqday wiil laq-laq leh oo firfircoonidiisu aad uga dhex muuqatay golayaasha dhalinyarada, taasina waxay keentay inay hablaha beesha ee timaha tidcani farta isugu fiiqaan, iyaga oo marka ay sheekaysanayaan isku yidhaahda "Naa inankaasu waa hal doorka beesha, waana halyey geesi ah".

Run ahaantii mid waliba hoosta ayey ka qiyaasatay oo waxay hoosta ka leedahay "Tolow muu mar qudha dabnaha kuu kala furo", laakiin waxaanay ogeyn in Biixi meel kale dab kaga baxayo oo uu qalbigiisu la wal-kadaadayo jaceylka Xayaad.

La Soco

Top