Agaasime guud oo loo magacaabay wasaaradda waxbarashada
Burco: Xarunta Dadka Xiskoodu Dhiman Yahay Iyo Duruufaha
Haysta
“Waxa Jira Dawooyin Ay Tayadood u Liidato Oo La Soo Mariyo
Xamar, Khatarna Ku Ah Caafimaadka.” Maxamad X.Daahir, Gudoomiyaha Jimciyadda
Farmasiiyadda Somaliland
Yaa Loo Tirinayaa Sicir-Bararka Dhiigga Ka Jaqay dadka Reer
Somaliland
Ciidamada Ciraaqiyiinta Oo Dhegta Dhiigga U Daray 43 Askari
Oo Ah Ciidamada Xulafada, Dhulkana Soo Dhigay 4 Diyaaradood
“Saxaaraha Ciraaq Waxaanu Ka Dhigaynaa Xabaalo Lagu Aaso Ciidamada Soo
Duulay…”Naaji Sabir
Ciidamo Maraykan ah oo nin masri ahi gaadhi ku jiidhsiiyay
dalka Kuwayt
"Dalku Wuxuu Marayaa Marxalad Adag,
Waxaana Loo Baahan yahay Ciddii Kala Dabaalan Lahayd” Guddoomiya UCID,
Faysla Cali Waraabe.
Axmad Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Gulaf Ololaha Doorashada Ah Ku
Ekeeyey Gobolka Saaxil
ODHAAHDA AKHRISTAHA,Waxaanu
Taageersanahay Ururka Qiimeynta Xukuumadda Iyo Axsaabta
Ururka SOM-AID ‘‘Hambalyo.’’
Dil-dilaacii ubaxa Waxaa Turjumay Musse shoodhe.
“Anigu Waxaan Ahay Musharaxa Madaxweynaha Reer Miyiga.”
Jilbo-dhiig
Garta xeer-beegti Qaybtii: 13
Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.
|
|
Agaasime
guud oo loo magacaabay wasaaradda waxbarashada |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin
ayaa 30-kii bishii March ee ina dhaaftay agaasime guud oo cusub u
magacaabay wasaaradda waxbarashada.
Agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda waxbarashada loo magacaabay waxa
magaciisa la yidhaahdaa, C/raxmaan Maxamed Maal, waxaana agaasimihii hore
ee wasaaradda waxbarashada, Xuseen Cilmi laga dhigay maareeyaha wershadda
Laydhka Hargeysa, iyadoo xilkii laga qaaday maareeyihii wershaddaa, Eng.
Cabdi Cali Barkhad. Laakiin agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada,
Xuseen Cilmi waxa uu jagadaa hayey mudddo gaadhaysa dhawr iyo toban
sannadood.
Top
Burco (Haatuf): “Waxa noo qoran ilaa 313 qof oo
xidh-xidhan, kuwaas oo aan helin daawo iyo raashin ay cunaan midna”, sidaa
waxa xog-warran ku bixiyey maamulayaasha hay’adda samafalka wadaniga ah ee
marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo SRR (Sarar rehabilitation and
Relief programme), oo gacanta ku haysa xarun dadka maskaxda wax uga dhiman
yihiin lagu xanaaneeyo oo ku taal magaalada Burco.
Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan ayaa magaalada Burco nooga soo
diray war-bixin kooban oo ka hadlaysa duruufaha caruurta ay quudiso
hay’adda SRRP, wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay:
“Sida ay masuulintaasi hay’adda SRRP maalin kasta waxay quudiyaan 30 qof,
halka ay 15 kalena cuntada guryaga ugu geeyaan, waxayse intaa ku dareen
inay xidh-xidhanyihiin dad gaadhaya 313 qof oo aan haysan daawo iyo wax ay
cunaan. Waxa kale oo jirta 29 caruur ah oo naafo ah oo wax la baro iyo 41
caruur ah oo iyagu bed-qaba, kana mid ah caruurta wax la baro, kuwaas oo
ay da’doodu u dhaxayso 15 jir ilaa sannad iyo badh jir, isla markaana waxa
hay’adda SRRP u shaqeeya ilaa 18 qof oo muddo ilaa laba sannadood ah
tabaruc ku shaqaynayey, iyadoo ay hayaddan samafalka wadaniga ah sannadkii
1997-kii aasaaseen niman dhalinyaro ah oo mutadawiciin ah.
Mar aana booqday xarinta ay hayadaasi gacanta ku hayso ee lagu xanaaneeyo
dadka xiskoodu dhiman yahay waxa ka muuqatay darxumo badan, taas oo ay
muuqato inay u baahan yihiin caawimo degdeg ah, iyada oo dadkaa lagu
quudiyo raashin dadka shicibka ah laga soo ururiyey, guriga dadkaa lagu
hayona waxa leh dawladda.
Gudoomiyaha hay’adda SRRP, Maxamed Maxamuud Ducaale oo aan ka
xog-waraystay xaaladda xaruntaa iyo waxyaalaha ay hayadiisu qabato ayaa
ugu horayn isaga oo ka hadlaya hayadiisa wuxuu yidhi “Ururkan waxaanu u
aasaasnay wax u qabashada ummadayada dayacan iyo sidii aanu uga ururin
lahayn laamiyada ay baabuurtu ku jiidayaan iyo gidaarada ay ku
dar-xumaysan yihiin, hawshaa samafalka ahna waanu wadaynaa ilaa intii
karaankayo ah”, laakiin gudoomiyaha mar aan waydiiyey bal inay jirto cid
ka caawisay hawshan samafal ee ay wadaan wuxu yidhi “Madaxweynihii
Somaliland ee geeriyooday, marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal ayaa mar noo
soo diray waxoogaa caawimo ah oo aan buurrayn iyo hayad samafal Ingiriis
ah oo iyana mar na caawisay, laakiin hadda ma jirto cid na caawisaa.”
Maxamed isaga oo ka waramaya duruufaha xaruntaa ka jira wuxuu yidhi
“Xiligii uu Cigaal noolaa magaalada Berbera ayaa dawooyinka nalooga keeni
jiray, laakiin hadda meesha wax dawo ahi ma dhexyaal, isla markaana
inkasta oo ay ballanqaadyadu badan yihiin, hadana ilaa hadda waxba ma
hayno”.
Top
“Waxa Jira Dawooyin Ay Tayadood u Liidato Oo La Soo
Mariyo Xamar, Khatarna Ku Ah Caafimaadka.” Maxamad X.Daahir,
Gudoomiyaha Jimciyadda Farmasiiyadda Somaliland
|
Hargeysa (Haatuf) Gudoomiyaha jimciyadda farmasiiyadda Somaliland (Pas)
Maxamed X. Daahir ayaa sheegay inay jiraan dawooyin aanay tayadoodu
fiicnayn oo dalka soo gala iyaga oo inta badan la soo mariyo magaaladda
Muqdisho, taas oo sida uu sheegay halis ku haysa caafimaadka dadka.
Waxa kale oo u gudoomiyuhu dhaliilay habka ay dadweynuhu u isticmaalaan
dawooyinka oo uu ku tilmaamay inay baalmarsantahay habka haboon ee loogu
talo galay in loo isticmaalo daawooyinka, waxaanu sidaa ku sheegay
gudoomiyuhu waraysi gaar ah oo uu maalintii shalay siiyey wargeyska Haatuf,
kaas oo uu kaga waramay aasaaskii jimciyadda farmasiiyadda halka ay
hawlaheedu marayaan iyo guud ahaan arrimo kale oo khuseeya caafimaadka.
Ugu horeyn gudoomiyaha oo ka waramayey aasaaskii jimciyadda farmasiiyadda
Somaliland waxa uu yidhi “fikradda aasaaska jimciyadda farmasiiyadda
waxaanu bilawnay sanadkii 2001 waxaana naga caawisay hay’adda UNICEF oo
noo soo dirtay nin khabiir ah oo u dhashay Kiiniya, ka dib waxaa la qabtay
shirweyne ay ku kulmeen dadka leh farmasiiyadda oo ka dhacay Jaamacadda
Hargeysa waxaana ka soo qayb galay 70 xubnood oo ka kala socda gobolada
Hargeysa, Awdal, Saaxil iyo Togdheer iyadoo ay qorshaha noogu jirto in
aanu gaadhsiino gobolada Sool iyo Sanaag mustaqbalka.”
Isaga oo intaa ku daray inay bishii Juun 2002 ururka si rasmi ah looga
sharci gareeyey wasaaradda caafimaadka.
Mar uu gudoomiyuhu ka hadlayey ujeedooyinka loo aasaasay ururka waxa uu
yidhi “ujeedooyinka ururka waxa ka mid ah in marka hore aanu sare u qaado
aqoonta shaqada farmasiiyadda, in la hubiyo sidii ay dawooyinka soo galaya
dalka u noqon lahaayeen kuwo ay tayadoodu sarayso, taana waxa suurto galin
karaya in la sameeyo “Quality control operate) oo ah shaybaadh lagu
hubinayo dawooyinka dalka soo galaya, iyo tayadooda, taas oo aanu iska
kaashano wasaaradda caafimaadka, in aanu wasaaradda caafimaadka iska
kaashano waxyaabaha lagu horumarinayo mihnadda farmasiiyadda iyo ilaalinta
dawooyinka, 4) waxa kale oo ka mid ah in dadweynaha la fahamsiiyo lagana
dhaadhiciyo habsami u isticmaalka dawooyinka iyada oo aanu adeegsanayno
qalabka warbaahinta,” ayuu yidhi.
Isaga oo intaa ku daray in habka ay dadweynuhu u isticmaalaan dawooyinku
inay khaldantahay iyada oo ay tahay in aan dawo laga iibin qof aan waraaq
sidan, balse waxaad arkaysaa buu yidhi qof kuu soo galaya oo leh kiniinkaa
iga iibi, kaasoo uu rumaysan yahay inuu ku dawoobayo ama qof saaxiibkii
ahi uu u sheegay.
Waxa kale oo uu sheegay gudoomiyuhu in ujeedooyinkooda ay ka mid yihiin
sidii ay iskaashi ula samayn lahaayeen ururada kale oo ka jira adduunka
gaar ahaan dalalka jaarka ah oo ay is-dhaafsadaan wixii khibrad ah.
Gudoomiyaha oo ka hadlayey dawooyinka waxa uu yidhi “Wasaaradda
caafimaadku way samaysay siyaasada guud ee daawooyinka (Somaliland
national Drug Policy) golayaashuna way ansixiyeen, balse waxaa dhiman uun
hirgelintiisii. Qodobadiisana waxa ka mid ah in la sameeyo (quality
control operate) oo ah in inta aan dawada la soo dejin in la baadho oo
haddii ay tayadoodu fiicantahay loo sameeyo shahaado ruqsad-na la siiyo
haddii aanay fiicnayna in laga joojiyo, taana waxaanu rajaynaynaa in
dhakhso loo hirgeliyo” ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayey dhinaca dawooyinka dalka soo gala waxa uu yidhi “Waxaa
jira dawooyin soo mara Muqdisho oo aanay tayadoodu fiicnayn, kuwaasoo laga
keeno Pakistan iyo India, balse dawooyinka ka yimaadda Pakistan iyo India
ma wada odhan karno way liitaan halka aanay dawooyinka ka yimaadda
Yurub-na aanay u wada fiicnayn sida ay dadka qaarkood aaminsanyihiin in
dawada Yurub wada fiicantahay, balse waxa dhibaatada lagaga baxayaa iyadoo
la sameeyo (quality control laboratory) oo ah dawooyinka inta aanay dalka
soo gelin iyo in la hirgeliyo (Code of Ethics) oo ah habsami u isticmaalka
dawooyinka, kaasoo qabanaya dawada doonaya iyo ka laga doonayaba laguna
dhaqmo qaanuunka dawladda ay arrintaa ka soo saarto” ayuu yidhi
gudoomiyuhu.
Ugu dambayn waxa uu u soo jeediyey farmasiiyadda inay iska soo diiwaan
geliyaan ururkan farmasiiyadda kaasoo uu sheegay in loo sameeyey danahooda.
Dadweynahana waxa uu kula taliyey inay hagaajiyaan habka ay u isticmaalaan
dawooyinka oo aanay iska qaadan dawo kasta ilaa uu dhakhtar u qoro waayo?
Dawooyinku waxtar iyo waxyeelaba wey leeyihiin in taxadar iyo nidaam loo
isticmaalo, isaga oo sheegay inay wacyi gelin arrinta la xidhiidha ka
samaynayaan warbaahinta”.
Top
Yaa Loo Tirinayaa Sicir-Bararka Dhiigga Ka Jaqay dadka
Reer Somaliland |
Hargeysa (Haatuf): Ugu yaraan labadii toddobaad ee u
dambeeyey waxa xasiloonida ganacsiaga iyo iibka badeecadaha ee suuqyada
magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa
si weyn u saameeyey sicir-barar mar qudha si lama filaan cirka isugu
shareeray, taas oo ay qiimaha sarrifka doolarka iyo badeecaduhu si weyn
kor ugu kaceen, taasina ay saamayn weyn ku yeelatay nolosha dadweynaha.
Laakiin waxay su’aasha meesha taal tahay sababta ama sababaha
sicir-bararka keenay waxa ay yihiin.
Marka laga hadlayo sababaha keenay sicir-bararka dadka qaar baa qaba in
waxyaalaha saamaynta ku yeeshay ay ka mid yihiin dagaalka ka socda dalka
Ciraaq oo ay leeyihiin dagaalkani waxa uu keenay ama hadii uu sii socdo
keenayaa saamayn dhaqaale oo caalami ah, sidaa darteed qayb ayey
mushkiladda Ciraaq ka noqon kartaa sicir-bararka, laakiin dad badan ayaa
iyagu aaminsan inaanay sababta taa ahayn, iyaga oo dadka aragtidan qabaa
ay leeyihiin “Yaan arinta meel fog laga doonin ee waxa sicir-bararka
keenay sababo daakhili ah”, laakiin marka laga hadlayo sababaha daakhiliga
ah ee dabada ka wada sicir-bararka laba qolo ayaa ugu yaraan farta lagu
fiiqaa, kuwaas oo kala ah Dawladda iyo kooxo ganacsato ah.
Eedaha dhinaca dawladda la saarayo waxa ka mid ah, iyadoo la leeyahay
lacag badan oo shillind Somaliland ah ayey had iyo goor suuqa ku sii
daysaa, iyadoo lacagta shillin Somaliland-ka ku iibsanaysa lacagta adag ee
doolarka, sidaa darteed maadaama lacagtii adkayd suuqa laga urursanayo
waxay taasi keenaysaa inuu qiimaha sarrifka doolarku qaaliyoobo ama sida
laga soo xigtay dad u dhuun-daloola arimaha ganacsiga waxa mararka
qaarkood dhacda in marka ay suuqa soo gasho xan ah inay dawladdu lacag
shillin Somaliland ah, iyadoo aan weli suuqaba soo gelin ay sarriflayaasha
suuqa xorta ahi sii qaaliyeeyaan qiimaha doolarka. Laakiin dhinaca kalena
waxa arinta sicir-bararka had iyo wax laga saaraa kooxo ganacsato ah oo ay
qayb ka yihiin kooxo ka mid ah sarriflayaasha suuqa xorta ah iyo hadii ay
doonaan qaar ka tirsan ganacsatada badeecadaha.
Warar u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa
tibaaxay inay dawladdu maalmihii ina dhaafay suuqa ku sii daysay lacag aan
cadadkeeda la carifin oo shillin Somaliland ah, iyadoo ay warar kalena
leeyihiin waxa suuqa soo gashay xan odhanaysa waxa soo guuxaysa lacag
badan oo Shillin Somaliland ah oo laga baqe qabo inay dawladdu suuqa soo
geliso, iyadoo doonaysa lacag doolar ah, sidaa darteed ay arimahaasi sabab
u yihiin sicir-bararka cirka u baxay.
Marka laga hadlayo saamaynta ay gacansatadu ku leedahay kicinta
sicir-bararka sarriflayaasha suuqa xorta ah ayaa lagu tiriyaa inay had iyo
goor qayb ka qaataan abuuridda sicir-bararka, waxayse iyaguna dhinacooda
had iyo goor ku doodaan inaanay wax lug ah ku lahayn arintaa, laakiin
iyaga laftoodu way isa sii kala reebaan oo waxa si gaar ah farta loogu
fiiqaa niman ka mid ah sarriflayaasha suuqa xorta ah oo macaamil la leh
baanka mar hadii ay dhinaca sarriflayaasha wax eed ah loo tiriyo looma
dhamma ee waxa eedda yeelanay nimankaa. Hase yeeshee markaa intaa laga
yimaaddo waxa iyaguna jira warar had iyo goor tibaaxa inay jiraan niman
dillaaliin ah oo aad ugu af-dheer sida qiimaha sarrifka doolarka marna
cirka loo geeyo, marna dhulka loo dhigo, iyadoo la leeyahay marka ay sidaa
samaynayaan waxay fulinayaan hawl-gal ay niman ganacsato ahi daaha
dabadiisa ka hagayaan.
Dhinaca kale waxa dhowaan la ansixiyey miisaaniyadda dawladda ee sannadka
2003 oo uu xaddigeedu gaadhayo 1007 Bilyan, laakiin marka la eego
miisaaniyaddii kal hore oo uu markii hore mala-awaalkeedu ahaa inku dhow
900 Bilyan waxa markii dambe soo baxay dakhli dheeraad ka ah
miisaaniyaddii 2002, dakhligaas oo gaadhaya 19 bilyan waxa uu wasiirka
maaliyadda oo u waramayey mudanayaasha golaha wakiilada sheegay inay
sagaalkaa bilyan siiyeen baanka oo uu sheegay inuu dawladda ku lahaa dayn
sannadihii tegay ah. Laakiin qoraal xafiiska wasaaradda maaliyadda ka soo
baxay 19-kii Sabtembar 2002 waxa ku cad in la go’aamiyey in sannadkan
(2002) dayntii baanku lahaa la siiyo 4 bilyan oo keliya inta kalena laga
siiyo miisaaniyadda 2003, taasina waxay muujinaysaa inaanay u bixin sida
wasiirku sheegay, iyadoo ay daynta baanku ku yeeshay labadii sannadood ee
2001 iyo 2002 lagu sheegay inka badan 31 bilyan.
Sidaa darteed waxa halkaa ka soo baxay su’aal ah “tolow xagee bay hadaa
martay baaqiga 4 bilyan ee baanka daynta loo siiyey ka hadhay oo noqonaya
15 bilyan”. Iyadoo ay intaa dheer tahay sifada sharci ee isticmaalka
lacagtaa loo maray oo la leeyahay waxa loo maray sifo aan qaynuun ahayn.
Laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa iyagu aaminsan inay lacagtaasi ku baxday
kaambaynka xisbiga dawladda ee UDUB, waxaase laga yaabaa inaanay arintu
sidaa wada ahayn ee uu siyaallo kalena musuqmaasuq u dhici karo. Sidaa
awgeed waxa la leeyahay hadii uu isticmaalka dhaqaalaha dawladdu noqdo mid
suryo walba laga dusiyo waxay taasi keenaysaa inuu habaqlihiisu bato,
taasina ay saami weyn ku yeelan karayso qalaan-qalka sicir-bararka.
Laakiin arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene waxa loo baahan yahay inaanay
dawladdu halkii ay kala tacaali lahayd aanay noqon ta hurisa ama wax ka
hurisa sicir-bararka iyo xasilooni darada dhaqaalaha, sidoo kale waxa
ganactada looga baahan yahay inaanay dariiq dhibaato culus oo dadkooda u
keeni kara macaash ka deyin, ayna iska fogeeyaan wixii raad ah ee uga iman
kara mushkiladda sicir-bararka.
Top
Ciidamada Ciraaqiyiinta Oo Dhegta Dhiigga U Daray 43
Askari Oo Ah Ciidamada Xulafada, Dhulkana Soo Dhigay 4 Diyaaradood
“Saxaaraha Ciraaq Waxaanu Ka Dhigaynaa Xabaalo Lagu Aaso Ciidamada Soo
Duulay…”Naaji Sabir |
Baqdaad (W. Wararka): 43 ka mid ah askarta Maraykanka iyo
Ingiriiska ayey ciidamada Ciraaqiyiintu dhegta dhiigga u dareen, isla
markaana waxay ciidamada reer Ciraaq dhulka soo dhigeen 4 ka mid ah
diyaaradaha dagaalka ee nooca loo yaqaan Helocup-tarka oo ay leeyihiin
xulafadu, ka dib markii ay dagaalo ba’ani ka dhaceen hareeraha magaalada
Naasiriya 30-kii saacadood ee u dambeeyey, iyadoo ay ciidamada xulafada
Maraykanka iyo Ingiriisku doonayeen inay xoog ku galaan magaalada, laakiin
waxa u jilib dhigay dagaalyahanka Ciraaqiyiinta, sidaana waxa habeenkii
xalay shaaca ka qaaday wasiirka warfaafinta ee dawladda Ciraaq, Maxamed
Siciid Al-Saxaaf oo magaalada Baqdaad ugu waramayey ragga wararka faafiya,
iyadoo ay dhinaca kalena guul-darradan qirteen saraakiil ka tirsan
ciidamada xulafada.
Arintani waxay ku soo beegantay iyadoo uu duullaanka ciidamada xulafadu
socdo maalintii 12aad, mudadaas oo ay dagaalo ba’ani ka socdeen degmooyin
ka mid ah dalka Ciraaq, isla markaana ay ciidamada xulafadu ku
guul-daraysteen inay gudaha u galaan ama qabsadaan magaalooyinka Ciraaq.
Madaxweynaha Maraykanka oo isaguna xalay ka hadlay arinta dagaalka ayaa
sheegtay in mudada dagaalku socday ay u suurta gashay inay qabsadaan inta
badan dhulka Ciraaq, isla markaana ay sii wadayaan dagaalka ilaa inta ay
xukunka ka tuurayaan Sadaam Xuseen, taas oo uu ku tilmaamay wax uu ugu
yeedhay inay ku xoraynayaan shacabka reer Ciraaq, laakiin wararka ka
imanaya goobaha dagaalka ee gudaha Ciraaq ayaa xaqiijinaya in ciidamada
xulafada ee Maraykanka iyo Ingiriiska aanay ilaa hadda u suurta gelin inay
qabsadaan magaalo ama goob istaraatijiya oo ka mid ah dalka Ciraaq, isla
markaana aanay xaaladda dagaalku khilaafsan tahay guusha uu madaxweyne
Bush kaga dhawaaqayo idaacadaha Maraykanka. Dhinaca kalena
warar xalay soo baxay ayaa sheegay in safaaradda Ingiriiska ee caasimadda
dalka Iiraan ee Tah-raan lagu qaaday weerar is-biimayn ah, ka dib markii
uu nin baabuur miinaysan wataa uu gudaha dhismaha safaaradda xoog ku galay,
ka dibna ay ninkii iyo baabuurkiisii halkaa ku qarxeen, laakiin ilaa hadda
wararku ma faahfaahin inta uu le’eg yahay khasaaraha halkaa ka dhacay.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Ciraaq oo sheegay inay saxaaraha u beddeli
doonaan qubuuro lagu aaso Xulafada. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ciraaq,
Naaji Sabri ayaa maalintii shalay ballan-qaaday inay saxaaraha Ciraaq u
beddeli doonaan xabaalo lagu aaso ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ee
soo duulay haddii aanay dib uga bixin Ciraaq.
Wasiirka oo shir-jaraa’id ka hadlayay waxa uu intaa ku daray in ciidamada
soo duulay lagu khasbay inay dib u gurtaan, qaarkoodna is dhiibtaan,
isagoo intaa ku daray in maalin kasta oo timaada ay la kulmayaan guul-daro
iyo khasaare ku dhaca, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi; “Dadka
tirada badan ee naftood hurayaasha ah ee soo gaadhay Ciraaq waxa lagu
qiyaasi karayaa 5000 oo qof oo mutadawiciin ah, kuwaasoo ka kala yimid
dhammaan dalalka Carabta,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu ka digay inaanay
dalalka Carabtu xukuumadahoodu aanay taageerin xulafada, taasoo uu sheegay
inay magac xumo ugu noqon doonto taariikhda u gasha.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa ka digay in
weerarka Maraykanka iyo Ingiriisku ay ku hayaan Ciraaq uu keeni doono
asal-raacnimada islaamka oo sii korodha iyo nacaybka loo qabo reer
galbeedka oo kusii kordha shucuubta Carabta. Waxaanu sidaa ka sheegay
khudbad uu ka horjeediyay askar ka tirsan ciidamada Masar magaalada Suways,
isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in dagaalkan oo sii socda uu
keeni doono dhibaatooyin aan la filayn. “Markii hore waxa jiray Usaama bin
Laden keliya, laakiin dagaalkani wuxuu kenayaa boqol bin Laden oo soo baxa,”
ayuu yidhi Xusni Mubaarak.
Sidaasoo kalena waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibedda ee Suuriya Faaruuq
Al-sharac oo ku tilmaamay duulaanka Maraykanka iyo Ingiriiska mid ay ku
doonayaan inay ku gumaystaan dalka Ciraaq.
Top
Ciidamo Maraykan ah oo nin masri ahi gaadhi ku
jiidhsiiyay dalka Kuwayt |
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kuwayt ayaa maalintii
shalay shaaca ka qaaday in ninkii gaadhiga ku jiidhsiiyay ciidamada
Maraykanka saldhig ku yaala dalka Kuwayt maalintii dorraad inuu ahaa nin
ku shaqeeya farsamada Electric-ga oo ka shaqaynayay saldhigaasi ay deggan
yihiin ciidamada Maraykanku oo ku dhow caasimadda Kuwayt.
Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Guduhu, ninkaasi oo
ahaa dhallinyaro lana yidhaahdo Maxamed Maxamuud Al-barbari da’diisuna ay
ahayd 31 sannadood inay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Maraykanku oo
baadhaya sababtii ku kelliftay falkaa uu geystay, waxaanu af-hayeenku
intaa ku daray in xukuumadda Kuwayt aanay suurtogal u ahayn inay ninkaa
gaadhaan, maadaama ay gacanta ku hayaan ciidamada militeriga ee Maraykanku.
War-saxaafadeed ay hore u soo saareen ciidamada Maraykanku waxay ku
sheegeen in ciidamo taagan halka uu ninkaasi ku jiidhsiiyay gaadhiga
askartaasi ay rasaas ku fureen gaadhigii uu watay ninkaasi ayna rasaasta
kala heleen laabta, taasoo keentay khalkhal soo wajaha xerada oo dhan.
Af-hayeenka u hadlay ciidamada Maraykanku waxa uu cadeeyay in ninkaasi uu
haatan ku sugan yahay xaalad khatar ah, isagoo intaa ku daray inay taasi
keenayso taxaddir loo yeesho dadka shicibka ah ee shaqooyinka ka haya
xeryaha ciidamada. Qaar ka mid ah ciidamadii ku dhaawacmay falkaas oo
tiradoodu ay tahay 14 askari ayaa si deg-deg ah daawayn loogu qaaday,
balse mid ka mid ah oo xaaladiisu xun tahay in loo qaadi doono dalka
Jarmalka.
Gaadhigan uu ninku jiidhsiiyay kooxda ciidamada Maraykanka ah oo ka tirsan
qaybta shanaad waxay taagnaayeen dibadda saldhiga, waxaanay warar kasoo
baxaya saldhigaasi sheegeen in nin ka falka geystay oo magaciisa lagu
sheegay cali khalaaf in loo malaynayo inn ka tirsanaa ururka Al qaacida ee
uu hogaamiyo Usaama Binu laadin balse arrintaasi lamaxaqiijin.
Wararkii ugu dambeeyey ee xalay soo baxayeyna waxay sheegayeen in dagaalo
ba’ani ay ka socdeen hareeraha magaalooyinka najaf iyo karbala,iyadoo
lasheegay in ciidamada xulafada in ay usuurto gali la’dahay in ay gudaha u
galaan magaalooyinkaasi. Balse ilaa hada lama xaqiijin khasaaraha ay
dagaaladaasi keeneen.
Top
"Dalku Wuxuu Marayaa Marxalad
Adag, Waxaana Loo Baahan yahay Ciddii Kala Dabaalan Lahayd” Guddoomiya
UCID, Faysla Cali Waraabe. |
"Dalku Wuxuu Marayaa Marxalad Adag, Waxaana Loo Baahan yahay Ciddii
Kala Dabaalan Lahayd” Guddoomiya UCID, Faysla Cali Waraabe.
Hargeysa (Haatuf) Dhalinyaro hore uga tirsanaa ururadii SAHAN iyo ASAD
ayaa la midoobay UCID, maalintii shalay, xaflad arrintaa ku saabsan ayaana
maalintii shalay lagu qabtay Hotel Maamuus oo ku yaala Hargeysa waxaana ka
qayb galay xafladaasi oo aad loo soo agaasimay gudoomiyaha xisbiga UCID
ahna musharaxa madaxtinimada ee xisbigaasi Eng: Faysal Cali Waraabe iyo
masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbigaasi.
Khudbad uu halkaa ka jeediyey gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
waxa uu u mahad naqay dhalinyarada isaga oo isla markaana ka waramay
marxaladda doorashooyinka ee uu dalku marayo iyo sida loo baahan yahay
inay u dhacaan.
“Walaalayaal waxa uu dalkeenu marayaa marxalad adag, waxaana loo baahan
yahay in la doorto cidii kala dabaalan lahayd” ayuu yidhi Faysal Cali
Waraabe, isaga oo ka hadlayey xisbiyada kale waxa uu yidhi “labada xisbi
ee kale talada way soo qabteen, waxaana loo baahanyahay aad kala
xisaabtantaan wixii ay soo qabteen” isaga oo u soo jeediyey dadweynaha in
ay ka fiirsadaan cidda ay dooranayaan. Mar uu ka hadlayey dhinaca
doorashooyinka waxa uu sheegay in aanay Somaliland geli karayn saddexda
doorasho 6 bilood maadaama buu yidhi aynu nahay dal yar oo faqiir ah.
Waxa kale oo iyaguna munaasibadaa ka hadlay gudoomiyaha xisbiga UCID ee
gobolka Hargeysa Axmed C/lahi Cawaale oo ka waramay marxaladihii uu soo
maray xisbiga UCID iyo barnaamijkiisa siyaasadeed iyo xubno ka mid ah
dhalinyarada ku soo biirtay xisbiga UCID.
Top
Axmad Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Gulaf Ololaha
Doorashada Ah Ku Ekeeyey Gobolka Saaxil. |
Axmad Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Gulaf Ololaha
Doorashada Ah Ku Ekeeyey Gobolka Saaxil
Berbera (Haatuf): Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga
KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadda socdaal ku jooga
gobolka Saaxil, ka dib markii ay shalay ka boqooleen magaalada Hargeysa,
iyadoo uu socdaalka weftiga KULIMIYE la xidhiidho ololaha doorashada
madaxtinimada ee la filayo inay dhacdo 14-ka bishan Abril ee aynu ku gudo
jirno.
Weftiga KULMIYE gudoomiyaha ka sokow waxa iyaguna weftiga ka mid ah xubno
door ah oo ka mid ah hogaanka xisbiga.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X.
Daahir (Casaan) weftiga KULMIYE waxaaay wataan kolonyo baabuur ah oo dusha
lagaga sharaxay calaamadaha xisbiga iyo sawirada labada musharax ee
xisbigaa ugu sharaxan jagooyinka Madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka.
Abaara 12:30 duhurnimo, laakiin intii aanay weftiga Kulmiye soo gaadhin
magaalada Berbera waxay cagta soo mariyeen degaamo badan oo ku yaal inta u
dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, waxaana meelaha ay ku hakadeen ka mid ahaa
Dacar-budhuq, Abdaal iyo meelo kale, iyadoo ay weftigu meelahaa dadka
hadalo uga jeediyeen, isla markaana weftiga KULMIYE waxay dadweynaha
degaamadaasi u soo dhoweeyeen si balaadhan, laakiin waxa weftiga
tuulooyinka Xamaas iyo Daragodle ugu sii diyaar garoobay boqolaal baabuur
ah oo ay wataan taageerayaashaa xisbiga KULMIYE ee degaanka Berbera,
kuwaas oo u soo banbaxay soo dhowaynta weftiga KULMIYE, waxayna dadka
weftiga jidka kaga horyimi u sii gelbiyeen dhinaca magaalada Berbera,
halkaas iyadana si baaxad leh loogu soo dhoweeyey, taas oo keentay in
gurdanka iyo sawaxanka soo dhowaynta si weyn looga dareemo magaalada,
iyadoo ay weftiga KULMIYE ka dhex-muuqdeen xubno sar-sare oo u dhashay
degaanka Berbera.
Weftigaasi markii ay magaalada soo galeen waxay ku soo wareegeen suuqyada
iyo xaafadaha magaalada, isla markaana waxa la filayaa inay gudoomiyaha
xisbiga, Axmed-Siilaanyo iyo xubno kale oo weftiga ka mid ahi cawaysinkii
xalay dadweynaha reer Berbera kala hadlay fagaaraha khud-badaha ee 26-ka
Juun.
Top
|
|
|
ODHAAHDA
AKHRISTAHA, Waxaanu Taageersanahay Ururka Qiimeynta Xukuumadda Iyo
Axsaabta |
Waxaanu taageero buuxda u soo diraynaa kana mid noqonaynaa anaga oo kala
ah Cumar Cabdi nuux oo dagan Dalka Finland Maxamad Cabdi Xassan (diridhaba
) oo dagan Dalka Pakistan iyo Ismaaciil Maxamad Gadiid oo dagan dalka UK
uruka Cusub ee laga aasaasay Dalka gudihiisa ee ah URURKA QIIMEYNTA
WAXQABADKA DAWLADA IYO HORUMARKA BULSHADA waxaanu ilaahay uga baryaynaa in
uu waxqabadka u hirgaliyo waxaanu ku guubaabinaynaa bulsho waynta
Somaliland ee ku dhaqan Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in ay taageero
siiyaan urukan u kacay horumarka Bulshada.
Mahad balaadhan waxaa iska leh ilaahii abuuray dunidan aynu ku noolahay
iyo dhamaan walxaha ku dhex nool, waxaa mudnaan cisi iyo sharaf ku
sifoobay nebigeena suuban (C.S.W) oo ilaahay subxanahu watacalaye inoogu
soo dhiibay kitaabka muqadaska ee quraanka kariimka ah, inooguna nimceeyey
diinta hodanka ah ee islaamka, akhristow wakhti weliba hoodadii, sifo iyo
amaantii, dareen iyo aragtidii, waxaa muddo laba todobaad laga joogo hadda
ka hadheen dooroshooyinkii madaxtooyada ee jamhuuriyadda aan ka dhashay ee
Somaliland, taasi oo noqon doonta doorosho taariikhi ah oo geli doonta
baalalka is xardha ee taariikh curdimeedka ardaaga aan ka soo jeedo ee
Somaliland, akhristow 12 sanno ayaa laga soo wareegay wakhtigii waddankan
Somaliland uu kaalintiisa si buuxda ugu soo celiyey mandaqadda beriga iyo
geeska fog ee qaaradda Africa, Su,aal badiba Somalilander ka madaxooda ka
dheg guuxda ayaa waxay u dhiganta marka sumadaha qoraalka latiniga lagu
xardho MAXAA SOMALILAND BEESHA CAALAMKA UGA HELI WAYDAY WAX AQOONSI AH
HADAABAY BUUXISAY SHURUUDAHII DAWLADNIMO EE LOOGA BAAHNA?
Waa su'aal quruxbadan jawaabteeduna aad u fiicantahay inay ku raaxaystaan
dhegaha u heelan maqalka iyo araga ardaagooga oo ka dhex muuqda beel
weynta caalamka, balse Somalilander jawaabtu sida aad filaysay maaha,
beesha caalamku waxay kasbataa, muraad midhaha kasoo iftiimaa u
baahanyahiin bisayl sida midhaha darayga ah ee Gu'gii la beero
jiilaalkiina lagu munaafacaado u irmanada, u fiirso taariikhda waddankeena
aynu jecelahay ee Somaliland, 12 sanno ayeynu aqoonsiga gacmaheena ku
haysanay, akhristow Eastimor oo dhawaan xorriyadeeda ka qaadatay waddanka
Indonesia uma suuro gelin kumanay riyoon shacabka reer Eastimor xorriyadda
shacabka Somaliland ku naaloonayaan, ma ay helin xoriyad qawl ay
gacmahooda ku kasbadaan, balse waxay ku keenen dadaal iyo guclayn taasi oo
isku bedeshay orod midhaheeduna noqdeen, aqoonsi buuxda oo ay ka heleen
beesha caalamka, ogow akhristaha reer Somalilandow reer Eastimor in aad ka
taariikh iyo gobonimo badnayd, markaa jawaabta aan siin karo su,aasha
muuqeegu kor ku xardhanyahay ma noqon kartaa Gardaadintii lagu anqariyey
Maandeeq (Somaliland) wuxuu ahaa mid miisaankiisu qal qalooco,
marinkiisuna maanta u jeedo meel aan la saadalin karin.
Qaran waxaa lagu sifayn karaa marka ay daacad yahiin hogaamiyayaasha
siyaasadeed ee kolba loogu hibeeyo, hogaanka kolba meeshaasi ka jira,
hadiiba ay xikmadu sidaasi u dhigantahay ma odhan karaa siday
siyaasiyiinta reer Somaliland ugu sifaysan yahiin? siday shacabka aan ka
dhashay ee dahabka ah ee reer Somaliland u ogyahiin waxa u danta ah? laga
soo bilaabo dooroshiinkii deeganada ee dalka ka dhacay waxaa dalku u
cakirna axsaab siyaasadeed oo loogu dhawaaqay inay sharci ka yahiin
doorashada dalka ka dhici doonta, dadka reer Somaliland shakhsi ka mid ahi
tallow maalinna ma ka fikiray maxaa dalkaaga u dan ah? ma ku naalooday
xusbigee dalka u noqon kara haybad iyo sharaf isbedel siyaasadeedna keeni
kara?
Waxaan filaya inta shacabka u fikirtay sidaasi hadiiba ay jirto inay
yartahay shacabkan ka dhashay oo aan ku aqaano qiiro iyo laab la kac aan
si degen looga fikirin ayaa doortay seddex xusbi qaran heerkanna soo
gaadhsiiyey, maantana iyaga ayey gacmahooga ugu jirta sidii ay u xulan
lahaayeen aayaha danbe ee dalkooga hooyo? balse Somalilander talladu waa
mid mar walba u baahan duurgal iyo saadal sifaysan oo siyaasadeed, ogow in
siyaasaddu tahay khamaar (gamble) kolba u camiran nin, aayahuna u xagliyo
wakhti iyo ninkeed, ogow siyaasaddu inay tahay laba mid uun mid cadow kugu
noqota iyo mid indhahaaga tusta dagal quruxsan oo aad u rajo waynayd,
Somalilander ma ka fikirtay 12 sanno oo laguu dhisaayey buuro khiyaali ah
inay waarin karaan diiradda hadafkaaga iyo rajada mustaqbalkaaga dhaw, si
kastaba ha ahaate waxaan jecelahay inaan hambalyo iyo boogaadin iyo hibo
iyo duco aan la koobi karayn u diro Urur dhawaan lagaga dhawaaqay
magaalada Hargeisa oo runtii markaan aad u akhriyey xikmadaha iyo
qawaaniinta u dejisan aan isku qanciyey inuu noqon karo urur u horseeda
shacabka Somaliland guul iyo gobonimo barwaaqo, ururkaasi oo magaciisa la
yidhaahdo URURKA QIIMAYNTA IYO WAXQABADKA DAWLADA IYO HORUMARINTA
BULSHADA,oo hawshiisa ugu balaadhani tahay inuu u kala dab qaado bulshada
reer Somaliland iyo siyaasiyiinta ay dooran doonan, kollay hawlaha
balaadhan ee ka muuqata ciwaanka ama magaca uu ku sifaysan yahay ururkani
ma noqon karaan qaar si fudud u midho dhala hadii aan shacabka aanay ka
helin taageero iyo wax la qabad, waayo waxaan odhan karaa waa miisaan
siyaasadeed oo u noqon kara halbawle ama udub dhexaad u dhex goosha
siyaasiyiinta la bartay aara’dooda iyo bulshada reer somaliland (MEDIUM
COMPONENT).
Waxaan si naxariisleh uga codsanaya shacabka reer Somaliland inay taageero
buuxda oo ka naxariis iyo culays badan siiyaan ururkani taageerada ay ugu
wacayaan axsaabta u tartamaaya hogaanka dalka ee aan la hubin karin
barnaamijyada siyaasadeed ee ay xanbaarsanyahiin iyo oofinta wacadka ay
balan qaadayaan. guntii iyo gebo gebadii waxaan mahad balaadhan usoo
jeedinaya dhamaan shacabka reer Somaliland waxaanan leeyahay doorashadaasi
ha looga qayb qaato si degen oo hufan oo aad ka fiirsanaysaan aayahiina,
ma jecli inaan u tilmaamo shacabka reer Somaliland dhawrista kala
danbaynta iyo nabadda inta ay doorashadan foodda inagu soo haysa socoto
waayo waa mid aad dhaqan iyo hiddo u leedahiin oo aad kaga duwantahiin
dhamaan beel weynta caalamka una bogtay ajanabi badan oo dalka yimid
waxaan quudaraynaya in sidii aad hore uga kasbateen beel weynta adduunka
uguna noqotay fajicisada degenaanta aad muujiseen inaad kor uga sii qaadi
doontan haddii alla idmo.
Waxaanan siyaasiyiinta iyo musharaxiinta axsaabta siyaasadda ka codsanaya
inay ka daayan hagardaamada iyo aarahda siyaasadeed ee aan oofinta lahayn
hadaanay berri ka maalin ku dhacayn indhahii loo ballan qaaday.
Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Karachi, Pakistan.
Cumar Cabdi Nuux, Finland.
Ismaaciil Maxamad Gadiid,Uk.
Top
Ururka SOM-AID ‘‘Hambalyo.’’ |
Hargeysa (Haatuf) Mudane Axmed Sandon Xasan oo ka tirsan
golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa na soo gaadhsiiyey qoraal uu ku
hambalyeynayo ururka SOMAID oo qalab caafimaad oo kala duwan soo
gaadhsiiyey cusbitaalada dalka qaar ka mid ah, talaabadaas oo uu ku
tilmaamay mid taageero iyo hambalyo mudan, sida ay qalabkaas uu aadka ugu
baahnaa cusbitaalku u soo gaadhsiiyeen qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa
uu qornaa sdian: “Aniga oo ah Mudane Axmed Sandon Xasan, ahna xubin golaha
degaanka Hargaysa, gaar ahaan gudi hoosaadka arrimaha Bulshada, waxaan
halkan ‘’Hambalyo iyo Salaan’’ qaali ah ugu dirayaa Ururka SOM-AID, gaar
ahaan muwaadiniinta hogaamisa ee kala ah:
Maxamed Xuseen Cigaal iyo Rashiid Cabdillaahi Caraale Oo
habeenki xalay ahaa iga farxiyay aniga iyo kolay reer Hargaysa intii ila
daawanaysay TV-ga sida Caruurtu ugu faraxdo Hadyad kadis ah oo waalidkood
sacabada u saaray hadyaddaas oo ahayd, runtii mid aad iyo aad u qaali ah
kuna saabsanayd qalab farabadan oo Ururkaasi ugu deeqay dhakhtarada
Hargaysa, Berbera, iyo Burco.
Waxaan leeyahay aniga oo ku hadlaya magaca iyo sharafta xildhibaanada
magaalada Hargaysa Maxamed iyo Rashiidow ‘‘Hambalyo’’ Ilaahaybaa le
mahadna.
Waxa kale oo aan idinku guubaabinayaa ilaahayna ka baryayaa in aad
noqotaan kuwii aan ka daalin kana niyad jabin waxtarka walaalahooda reer
Somaliland, iyadoo ay horeba u jireen muwaadiniin ficiladan oo kale
muujiyay, hadana habeen kii xalay ahaa waxay ii ahayd farxad iyo rayn-rayn.
Waxaanad ogaataan in gurmadka ilaahay badan yahay, tahayna in mar walba
lagu xamdinaqo, gurmadka walaalku gadhwadeenka ka yahay wuxu dheeryahay
farxadaa carruurtu faraxdo een xalay la kulmay. Allaa Mahad
leh.
ALLAA MAHAD LEH.
Mudane Axmed Sandon Xassan
Top
Dil-dilaacii ubaxa Waxaa Turjumay Musse shoodhe. |
Dil-dilaacii ubaxa Waxaa Turjumay Musse shoodhe.
Mingistu: Markii la isla gaadhay in dhinaca Somalida weerar lagu qaado
ayaan anigu soo jeediyey inta aan Somalida dagaal lagu qaadin horta la soo
ururiyo ciidamadayada ku kala filiqsan jiidaha bariga Itoobiya oo dib loo
abaabulo, waayo ciidamadii Somalidu maadaama ay degaamada bariga weeraro
lama filaan ah ku soo qaadeen waxaya dhibaato weyn u geysteen ciidamadii
booliska iyo kuwii kale ee caadiga ahaa ee jiidaha bariga joogay, kuwaas
oo kala daatay, laakiin anigu marka aan leeyahay aynu ciidamadeenna
jiidaha bariga ku filiqsan dib isugu habayno sababta aan sidaa ugu
fekerayey waxay ahayd waxaan doonayey inta aanu diyaar garoobayno ayaa
waxa laga yaabaa inay Somalidu waxoogaa yar sii socdaan, laakiin marka
aanu diyaar garwono inaanu ka adkaan doono shaki igagama jirin, taas oo
hadii ay dagaaladu sii socdaan aanay ka dhici doonin gudaha dalka Itoobiya,
balse ay aakhirka ka dhici doonaan gudaha dalka Somaliya. Sidaa awgeed si
loo diyaar garoobo ciidamadayada waxoogaayada ah ee xuduudaha ku kala
filiqsan ee isugu jira booliska iyo ciidamada kale ee caadiga ah waa
inaanu ururino, ka dibna aanu isugu geyno meelaha istaraatijiga ah ee aanu
isku difaaci karno, sida Goday, Wardheer, Dhagax-buur iyo Jig-jiga,
halkaasna ay difaac ka galaan, laakiin markii aan ra’yigaa soo jeediyey
waxa si ba’an iiga soo horjeestay kornayl Adnaafu, isaga oo ku doodayey
“Ciidamada booliska iyo kuwa kale ee caadiga ah markaa aynu goobaha ay
joogaan ka soo qaadno miyaanay taasi noqonayn mid ciidamada Somalida ku
dhiiri gelinaysa inay weeraro inagu soo qaadaan, markaa ma aha inaynu
waddo caynkaas oo kale ah qaadno oo aynu horseedno arin khatar inagu
keenaysa”. Laakiin aniguna waxaan ku doodayey “Dagaalku farshaxan marka uu
doono kaarto iskii ah samaysan karaya, sidaa darteed marka aad doonayso
inaad guulaysato waa inaad diyaarsato meesha aad ka weerarayso iyo habka
aad u weerarayso cadawga, laakiin ma aha inaad iska weerarto oo ay qiiro
ku qaado, ka dibna aad adiga oo qiiraysan aad dagaal iska qaado, taasina
geesinimo ma aha, isla markaana masuuliyadda ciidankeenu inaga ayey ina
saarran tahay oo naftooda wixii soo gaadha ka masuul ah, markaa
ciidankeenu iyaga oo wax dili kara waa maxay sababta ay si xun naftooda
ugu waayayaan.”
Dooddu waxay socotaba waxa aakhirkii la qaatay ra’yigaygii, dabadeedna
sidii ayaanu ku dhaqaaqnay oo waxaanu isu soo ururinay ciidamayadii
qaybaha bariga ku kala baahsanaa, taasina keliya noqon inaanu ciidamayada
halista ka ilaalino ee xataa waxaanu ka faa’iidaynay inaanu helo waqti yar
oo aanu isku sii difaacno inta aanu weerarka u diyaar garoobayno.
Marka laga yimaado ciidamada Somalida ee dalkayaga soo weeraray waxa kale
oo iyaguna jiray niman kooxaha gabonimodoonada ah la safan oo Itoobiya ah
oo dalka gudihiisa qalalaase ka wadday, iyaga oo ka faa’iidaysanayey
khilaafaadkii gudahayaga ka jiray, kuwaas oo mar qudha noo ogolaan waayey
inyar oo nasasho sidii ay mar-ba xiisad noogu furayeen, sidaa darteedna
waxay ahaayeen niman fududaynaya dariiqii ay somalidu nagu so weerari
lahaayeen. Waxa kale oo isna cadawyo badan iyo saaxiibo badan noo sameeyey
loollankii dhexdayada ee aanu ku jiray, laakiin aqlabiyadda dadweynuhu
maadaama ay anaga na taageersanaayeen inuu wadanku kala googo’ iyo inay
cadawyadayada debeddu naga adkaadaan-ba waxaanu kaga samata-baxnay
taageeradii weynayd ee shicibkayagu nala daba joogay.
Sidaa darteed hadii aanaan markii dadkayaga isku xidhan oo aanaan midayn
lahayn iyaga dhexdooda ayaa iswada colaadsan lahaa oo cadaw isu wada noqon
lahaa, ka dibna cadawyadayada ayaa dhexdooda ka faa’iidaysan lahaa. Sidaa
awgeed run ahaanti ururadii gobanimodoonada ahaa iyo kooxihii kale ee
gudahayaga cadawga nagu ahaa way guulaysan lahaa hadii aanu shicibku
midaysnayn oo aanu dhinacayaga raacsanayn. Hase yeeshee marka aan soo
koobo kacaanku wuxuu noqday ka keliya ee aanu ku sugi karaynay midnimada
dalka ama aanu kaga bad-baadnay weeraradii cadawgu nala soo tiigsanayey…
La soco cadadka dambe.
Top
“Anigu Waxaan Ahay Musharaxa Madaxweynaha Reer Miyiga.” |
“Anigu Waxaan Ahay Musharaxa Madaxweynaha Reer Miyiga.”
axyaalaha aan u qanayo dadka reer baadiyaha ah hadii ay I doortaan waxa ka
mid ah, hagaajinta degaanka iyo sida dhulka loogu noolaado, maacuunta iyo
weelka cuntada lagu cuno.
Dhinaca biyaha waxaan is leeyahay dhulka biyo lagama waayine rag ka daba
taga ayey waayeen. Aniga qorshaha iiguma jirto daaro dhaadheer iyo dad
badan oo shaqo la’aan la hoos fadh-fadhiista daarahaa, laakiin qarradkayga
koowaad waa sidii dadka reer miyiga ah ee nafaqo la’aanta u le’anaya ay
marka hore uga bixi lahaayeen baahida baraysatay, waayo hadii ay taa ka
baxaan waxa ii muuqatay inay iyagu abuurayaan arimaha horukaca loo yaqaan.
Qorshaha xoolaha.
Sannadka hore xoolaha waxaan u beeri doonaa caws barakaysan oo siidhkiisa
dhulka lagu qubayo bisha dirir daydo, cawskaas oo marka uu soo baxo uu
burka qudhi sannadkii ku fillan yahay Lax (Neef ido ah) oo sannadkii hal
mar dhasha. Laakiin marka ay xaalufka ka baxaan sannadkii waxay dhalli
doonaan laba goor, wananka ahminka ahna halka iminka ilaa uu saddex Gu’
gaadho aanu iibgelayn marka uu xaalufka ka baxo waxa lagu iibin doonaa
saddex bilood oo keliya.
Dhulka reer miyiga waxaan ka baabi’in doonaa waddooyinka ay reer magaalku
baabuurtooda u samaysteen, qorshaha fog ee xoolahase waxaanu samayn doonaa
xoolo af-somaliga ku hadla oo la tababaro.
Waxbarashada.
Waxbarashada reer miyigu waxay noqon doontaa iskuulo wareega oo beesha
had-ba dhinac u qaada oo macal macalimiinta ardayda waa la lugaysiinayaa
oo waxay noqonayaan kuwo habeen-ba meel u hoyda, manhajkoodana waxa lagu
qori doonaa suugaan dusha laga xafido, isla markaana manhajku wuxuu u
badnaan doonaa arimaha sahaminta daaqa iyo khayraadka dhulka ay ku nool
yihiin iyo sida looga faaiidaysto bii’adda , waxaanu soo qufi doonaa
dhammaan cilmiyaddii qadiimka ahaa ee ay Somalidu ka kibirtay.
Hadii uu rabbi xukmo dawladda reer miyigu waxay yeelan doontaa lacag laga
sameeyey dhogorta idaha, dharkana waxaanu ka samayn doonaa maydhaxda
geedaha Qararida iyo Faaraxoodka.
Dawladdu reer miyigu xidhiidh ganacsi waxay la yeelan doontaa qolada
magaalada oo ay laantuna ka dhexayn doonto. Waxa kale oo noo qorshaysan
inaanu sokeeyuhu is guursan , isla markaana uu nin waliba ninka inantooda
guursada uu isna gabadh kale ka guursado si ay furistu u yaraato oo aanay
ragga iyo dumarku isu furfurin oo uu nin waliba inantooda xeer u dhigto.
Jagada Madaxweynaha reer miyiga ciddii kale ee isu soo sharaxaysa waxa
shuruud looga dhigayaa inuu yaqaan xiddiga la yidhaahdo Xile-kaseen iyo
xiliga wanka sumalka ah idaha lagi daro.
Hadaba waxaan idinka codsanayaa in ciddii ila qaadata qorshahaa inay
fariintooda u gud-biyaan wargeysyada.
Aniga oo ah ninka ay badawnimadiisu boqol gaadhay waxaan jeclahay in layga
raali ahaado hadii aan gardarooday ama aan siyaasadda garan-waayo.
Hadii ay xisbiyada reer magaalku qorshahan iga qaataan oo ay reer miyiga u
ballanqaadaan anigu waan iska fadhiyayaa oo hadhka ayaan u dhacayaan.
Ugu dambayn waxaan ibobixiye u ahay wixii su’aal ah ee la iiga baahdo.
Sidaa iyo nabadgelyo iyo nooli kulantee.
Top
Jilbo-dhiig
Biixi hadalkaa maba filayn, sidaa awgeed si degdeg ah ayuu u yidhi
“Waayahay gacaliso”, isaga oo isu haysta inaanay arintiisu dhamaad waxba
ka duwanayn, laakiin Xayaad intaa Biixi kagama tegine waxay u soo siibtay
fargal ay xidhnayd, iyadoo ku tidhi “Walaal fargalkaana xusuus ahaan u
hayso.”
Biixi markii ay Xayaad fargalkeedii u soo fiiqday ee ka gudoomay ayey
farxadiisu noqotay wixii hore quba oo uu dhidid tin iyo cidhib qoyey, isla
markaana ay jidhidhico darteed xaaddu istaagtay Biixi markii uu
fargalkeedii ka gudoomaya ayuu isaga oo farxad la dheelimanaya ku yidhi
“Gacaliso nabadgelyo”, ka dibna Biixi iyo Xayaad waxay kala dhaqaaqeen,
iyadoo uu ninkii Biixi farxad iyo yididiilo hor leh la tiicayo, taas la
kulankii Xayaad iyo weliba sidii ay u qaabishay iyo weliba hadiyadda ay
gudoonsiisay uu uga dhignaa inuu gaadhay guul weyn oo qayb ka ah wixii uu
higsanayey ee ahaa inuu nolosha la wadaago Xayaad oo uu jacaylkeeda la
gooniyoobay.
“Digaa xafash leh, qiiqna xolod baa leh, xiisiyo kalgacaliyo xadanto dumar
baa leh,”ayuu Biixi hoosta ka leeyahay, isaga oo cabiraya sida uu jacaylka
Xayaad ugu weyn yahay. Laakiin Biixi isaga oo ka Shidaal qaadanaya sidii
ay maalintaa Xayaad u qaabishay waxa uu isku qanciyey habeenkaa inay
Xayaad laga bilaabo maanta gacantiisa midig tahay oo ay mustaqbalka dhow
calool furan iyo heshiis ay isla ogolyihiin kula hoyan doono.
Sidaa darteedna wuxuu aaminay in hadda iyo wixii ka dambeeya ay
dhibaatadii daysay oo uu helay yartii uu oommanaa ee uu iyada mooyee ka
dhaartay inuu gabadh tafteeda qabto. Hase yeeshee Xayaad keligeed go’aan
may qaadane waxay hindisaheedii la xidhiidhay Biixi u bandhigtay hablo ay
axsaab ahaayeen, iskuna ayni ahaayeen, laakiin gabdhihii ay la tashatay
waxay u rideen babiso oo waxay ku yidhaahdeen anigu wiilkaa kugula talin
mayno.
Xayaad intaa kuma joogsan ee waxay go’aansatay inay arinta ku qanciso
dadka mahuraankeeda ah ee ay ka mid yihiin hooyadeed, laakiin markii ay
arinteeda u bandhigtay ayey ka mashiiqsatay, waxayna ku tidhi “Naa kaa
meel uu qabsado waayey ee qaawan ayaad doonaysaa inaad noo soo xerayso”,
iyadoo Biixi lagu quudhsanayo saboolnimo iyo inuu yahay nin caydh ah oo
aan waxba haysan.
Laakiin Xayaad iyo hooyadeed Siraad ayaa goor galab ah isku keliyeystay,
ka dibna hooyo Siraad gabadheedii Xayaad indhaha ayey kaga dhacday oo
bahal canaan ah ayey u dhigdhigtay, waxayna Biixi ka soo saartay uf iyo
akhas, iyadoo tidhi “Hooyo waxaad tahay gabadh loo hanweyn yahay oo
reerkooda iyo ummadda kaleba qiimo weyn ugu fadhida, laakiin hadii aad
wiilka yar ee caydhka ee qaawan xila moodo ogow inaad markaa god ku
dhacday.”
Sidaa darteed Axsaab iyo ehel dadkii ay la tashatay waxay ku qanciyeen
inaanay hungurayn wiilkaa yar ee aan adduunka haysan. Laakiin Xayaad ma
noqon qof iska balfisa ama ka calool-adaygta talooyinka dad kale ee way u
debecday, sidaa awgeed candhuufteeda ayey dib uga liqday Biixi iyo
arintiisa, isla markaana waxay isku ciil-kaambiday weedhihii iyo dareenkii
yididiilada xanbaarsanaa, ballanqaadkana aan ka tagganayn ee ay Biixi u
muujisay maalintii ay fursadda wanaagsan u heleen inay kulmaan. Laakiin
waxa is-tusay rajo kama dambays ah, sidaa darteed dhawr maalmood markii ay
ka sii maqnayd ayuu raagsaday, wuxuuna hoosta iska waydiinayaa “tolow
maxay ku raagtay oo ay jawaab kuugu soo celin wayday, laakiin waxba yaanan
raagsan ileyn koleyba aniga ayey ii maqan tahaye.”
Runtii Xayaad Biixi way heshay dabcigiisa, aftahamadiisa iyo raganimadiisa
oo dhan, laakiin waxa keliya ee ay kaga walaacday faramadhnaanta, isla
markaana waxa dareenka Xayaad aad u walaaqay taladii waswaaska lahayd ee
ay kala kulantay axsaabtii iyo ehelkii mahuraankeeda ahaa ee ay la
tashatay, sidaa darteed waxay go’aan ku gaadhay inay Biixi nagta u xarfiso
oo aanay juuq dambe u odhan. Laakiin Biixi markii uu inmuddo ah wax war
iyo wacaal ah ka waayey ayuu markii dambe go’aansaday inuu fariin meel uun
u mariyo oo uu yidhaahdo “Gacaliso maxaa ku helay waan ku raagsadaye”.
Laakiin nasiib wanaag waraaqdii uu qoray isaga oo gacanta ku haya oo cid
la doon doonaya ayuu helay gabadh shaqaale ka ahayd Xayaad gurigooda oo uu
ku yidhi “Walaal waraaqdaa waxaad u geysaa Xayaad”. Gabadhaasina markiiba
way u geysay Xayaad dhambaalkii qoraalka ahaa ee uu u soo dhiibay Biixi.
La soco cadadka dambe.
Top
Garta xeer-beegti Qaybtii: 13 |
Maydhan aabaheedna wuxuu ugu jawaabay “Maydhan baa loogu
yeedhaa” haddana wuxuu u celiyey “Inanka geela ila wada ayaan gabadh
fiican u doonayey, inagana xidhiidhkeeniibay soo celinaysaa ee gabadhaa
wiilka ii sii”, Maydhan aabaheed-na wuxuu ku jawaabay “Inantaydu way iga
talo qaadataaye, wiilkaagu ma kaa talo qaataa”, kii kalena wuxuu ku
jawaabay “Waar bal ninkaa daya, oo ma waxan kuula ekahay nin ubadkiisu
talo dhaafo”, haddana Maydhan aabaheed wuxuu yidhi “Xaash’e ma tihid,
gabadhiina waan ku siiyee, iga gudoon”, dabadeedna arrintii waxay ku
dhamaatay hoo iyo gudoon. Intaa ka dib ninkii odayga ahaa wuxuu wiilkiisii
ugu bishaareeyey oo uu ku yidhi “Aabe waatii balankeenu ahaa inaan gabadh
kuu doono oo kaaga yarad bixiyo, ka dibna Maydhan oo ina hebel ah reer-na
ka dhalatay baan maanta kuu doonay, isla markaana qorigeenii maadhiin
yaraha ahaa iyo faraskiiba gabaati baan u bixiyey”, wiilkiibaa dabadeed
yidhi “Aabe hawraarsan”, odaygiibaa isna yidhi “Aabe Gudoon waana inoo
biyo gu’”.
Dabadeed markii gugii la gaadhay ayey odaygii iyo wiilkiisii iyaga oo wada
shan geel ah oo dhogor ah ayey u tageen Maydhan aabeheed, halkaas ayaa
meherka lagu duugay, aqal-na loo dadbay, iyada oo habeenkaa loo kala tagey
Maydhan iyo wiilkii la siiyey, si ay isu bartaan, waxaana la maray qaabkii
ardaa dhig lahaan jirey, iyada oo hadalka lagu soo gunaanaday gabadha nagu
dara iyo yeelnay. Ka dibna nimankii soo ardaa dhig tagey waxa lagu daray
Maydhan oo tiicaysa iyo afar oo xoogga ka masa ah oo dhibaad ah.
Maydhan markii la guryo geeyey waxa loo weegaarey aqal laba daryaale ah oo
bari u jeeda, halkaas oo galbiska iyo ciyaaraha dhaqanka loogu
dabaal-degay, iyadoo loo dhigay bahal aroos ah oo la isku arkay, ka dibna
markii ay todoba baxeen ayaa guryaha baal looga saaray oo meel xeryaha ka
baxsan aqal looga taagey, muddo markii laga joogo ayaa niman ay ilma adeer
yihiin wiilkii Maydhan guursaday waxa u yimid wiil ina abtigood ah oo
cirka laga soo hindhisay (ragganimo dhaaf), magaciisana la yidhaahdo
Duulane, isla markaana wuxuu uu wataa bahal faras ah oo sheegan, ka dibna
wuxuu ilma abtiyadii ku yidhi “Walaahi naagtaa deyn maayo”, sida caadadu
ahaydna raggii hore been kuma dhaaran jirin.
Wiilkii dhalinyarada ahaa markii uu ku dhaartay inaanu gabadhaa ka tegayn
ayaa waxa loo qaatay inuu doonayo inuu faraxumeeyo ileyn meher u
qaban-maayo oo nin baa qaba’e, laakiin ilma-abtiyadii iyaga oo aan
dhaartiisii cidna uga sanqadhin ayaa maalintii ay is lahaayeen ambabixiya
ayey lacag siiyeen, sibraarna waxay ugu shubeen caano badhax ah, muqmadna
waa la siiyey, sidaas ayey wiilkii ilma-abtiyadii ku ambabixiyeen oo ay ku
nabadgelyeeyeen, laakiin barqadii markii uu meel dhexe marayey ayuu soo
noqday oo uu gurigii gabadhii Maydhan isa soo taagay, markaas ayaa la
iswaydaarsaday “Waar reerkow iyo yeedhnay iyo i waraabiya”, dabadeedna
ninkii Maydhan qabay oo aqalka ku jira ayaa yidhi “Naa ninka xiligan
harraadani waxba kama noola’e biyaha u badhxa”, ka dibna gabadhii Maydhan
ayaa biyaha kalaxa u dartay wiilkii oo debedda taagan, laakiin dhiibistii
ay biyihii u dhiibtay ayuu galaankii biyaha inta uu tuuray gabadhii
Maydhan gacanta qabsaday oo uu faraska fan-dambeedkiisa ku riratay
cidhibta iyo jeedalka isu raaciyey faraskii, ka dibna uu la galbadday,
dabadeedna markii qiyaas ilaa sagaashan KM ah ka fogaaday gurigii uu
gabadha ka qaatay ayuu intuu faraskii joojiyey oo uu wadada dhinac uga
degay ayuu Maydhan sheeko iyo haasaawe macaan u saaray, iyana waaba ka
heshay, waxaana lagu heshiiyey inay tahay gabadh uu la soo tegay, sidaana
ay dadka u sheegaan, ka dibna sidii ayey ku warameen markii Ooshii tageen,
waxaana loo dhisay aroos kii horeba ka wacdaro badan, waxaase dhaqanku
ahaa inay islaamuhu gabadha marka la arooso kala gooyaan, iyadoo marka la
kala gooyo maro cad la hoos-dhigo si loo ogoodo inaanu qoddobku
dhaawacnayn, dabadeedna wiilkii habeenkii u horaysay ee ay aqal galeen
ayuu bahal bilaawe ah bawdadiisa ku dhuftay, halkaas oo maradii cadayd
hoos dhigay dhiigii bawdadiisa ka soo qulqulay, ka dibna islaamihii ay
arkeen ayey mash-xarad ku dhufteen, iyaga oo moodaya inuu wiilkii gabadhii
ugubka ahayd kala goostay, waxayna islaamihii ku heeseen heestii
afgarashada ahayd marka ay sidaas oo kale dhacdo, iyaga oo yidhi
“Qaraxdayeey ninka maxaa lagu qaboojiyaa”, laakiin sidoo kale ninku marka
uu hawshiisa gudan kari waayo waxa loogu heesi jiray “Ribatayeey meesha
miyaan rag helineey.”
Heesahaas oo dhawr goor lagu cel-celiyo. Hase yeeshee fiidkii ayey
reerihii Maydhan laga soo dhacay ee qabay tabeen oo la yidhi “Tolow
Maydhan xagee bay jirtaa ma maqashii bay doontay adhigii ayey doontay”.
Laakiin wiil-yar oo arkayey markii Maydhan faraska lagu ritay ayaa yidhi
“Saw tii saaka raacday faraskii ninku watay”, dabadeedna ninkii Maydhan
qabay waa waashay oo waxay kaga dhegtay Maydhan, taas oo wax kasta oo la
waydiiyo uu kaga jawaabo Maydhan. Sidaa darteed geedigii koowaad ee uu
reerku guuro waxa lagu taxaabay xadhig, geedigii labaadna waxa lagu
xidhiidhiyey Awr, ka dibna talo waxay noqotay inay barbaartii ragga ahayd
ee reeraha joogtay yidhaahdaan “Waanu duulaynaa”, laakiin odayaashii ayaa
yidhi “Horta aynu dirno konton nin ergo ah oo codkar iyo culimoba leh”,
dabadeedna taladii odayaasha ayaa la raacay, waxaana Duulane reerahoodii
ayaa loo tegay oo lagu yidhi “”Gabadhaas Maydhan waa xaaskayagii, iyada
ayaanuna u socoanay ee hanaloo celiyo.” La soco cadadka dambe.
Top
Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas. |
Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan
mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq-buurka.
Akhyaartayada indhaha buurbuuranow, waxaynu soo gaadhnay xilligii aan
idinku gadh-qaban jiray wararkii dunida, waxaana maanta u cabaysan doona
weriye War-xambaar.
WARKII OO GURDAMAYA.
Jamhuuriyadda Shankaroonlaan ayay soo food-saartay xaalad wasiir barar ah,
kadib markii Madaxyuubka Shankaroonlaan golihiisa ku biiriyay todoba
wasiir oo sanco kale ah, kuwaas oo legga loo geliyay ama lagu joojiyay
wasaarada ay ku camal la’aayeen wasiir iyo wasiir ka-yarayaal hore.
Sancadan cusub oo loogu yeedhay wasiir u dawleyaal, iyadoo kuwii horena ay
noqonayaan shicib u wasiir, taas oo toddobadaas wasaaradood cawadooda iyo
ayaankooda wasiiro ka dibireen, wasiiradaas oo aanu jirin wax xil ah oo ay
la wareegeen, balse waxa la sheegay in nin waliba wasaaradii loo tilmaamay
dhinaciisa ka xuluushay, ilaa imika maan maqal wasaarad wasiir qasan ku
waxyeelawday iyo wasaarad laba midigeynta ku candhoolawday. Sancadan oo ah
shuqul Shankaroonta ku cusub, waxaa la rumaysan yahay in ay ka mid tahay
nimcooyinka cusub ee Madaxyuubku soo kordhiyay. Madaxyuubka oo hooto-nuug
wada ah xisbiga UDUB iyo Madaxyuubnimada oo xilligeedii gandaha soo joogo.
Haddaba, wasiiru-dawlayaashan la magacaabay xilli ay doorashadii ka hadhay
qadar miridho ah, ama wax wiqiyad ka yar, iyagoo raggani ka soo dhaawac
kacay ururadii gorayga ka cabay indhawaanlahanba ay xisbiyadu qori-qori ku
qaybsanayeen. Haddaba, raggan wasiirada lagu sidkay oo ka mid ahaa
qoryihii xisbiga UDUB u garogalay, ayaa laga yaabaa inuu Madaxyuubku ugu
talogalay in ay martida cusubi inta dherigu bislaanayo ay u badhax
doontaan wasaaradaha. Ragga siyaasadda dhuuqa, ayaa iyana sheegaya in
aanay jirin wasiiro dawlad loo magacaabay ee ragganina ay yihiin wasiiro
kaambayn u wasiir oo Madaxyuubku kula ballamay sanduuqyada soo socda.
Wasaaradahan loo sameeyay wasiir minyaro ah iyo minister min-weyn ah,
ayaal sheegayaa in wasiiradii hore ducaqabaynta doorashada awgeed lagala
xishooday, iyadoo la saadaalinayo in haddii doorashada UDUB ku guulaysato
in wasiiradii hore jagadu ka baastoobayso, kuwan minyarada ahina noqon
doonaan kuwa soo socda.
Sideedaba masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga hooto nuugga ah ee UDUB,
ayaan la kala saari karin oo sidii farxabashida isu wada ekaaday, iyadoo
xisbiga UDUB iyo dawladdu sidaas uun isu jaqaya, iyadoo la ogaa in Alla u
naxariisaygii is nuujiyay ayaan Madaxyuubkanina kala qabanin ee isku sii
duway.
HARGEYSA.
Kordhiyayaasha Golayaasha qaranka, ayaa markii ay waayeen cid ay u
kordhiyaan oo u timaada, ayaa iyagu korodhsaday kadib markii subax dhawayd
intay keligood laba aqal kala galeen ayay laba laba sanno ku darsadeen
darka kordhinta Qaranka. Golayaashan oo egesbaayar dhaytkoodu dhacayay
laba bilood kadib, ayaa aqlabiyad ah isku raaceen oo la sheegay in ay
yidhaahdeen; “Waar ninkii dhacayaaba hayska dhacee, inaga inoo kordhiya
bahasha.”
Kordhintan oo ahayd tii ugu sanqadha yarayd ee Goluhu sameeyo, waxa la
sheegay in ay ka fursan weyday oo kiishada dawladdu aanay u taag haynin
saddex xilli doorasho oo kuyuu isku daba jira.
Arrinta kale ee kordhinta kaliftay ayaa la sheegay sharci la’aan, kadib
markii golayaasha lagu dooran lahaa aan laba haynin oo golayaashu ka
habsaamaan ansixintiisa intii ay ku mashaquulsanaayeen xeerarka kale iyo
ansixinta dhaameelka. Dadka qaar ayaa rumaysan in ay kas iyo maan u
sameeyeen amuurtan oo ay ka xishoodeen xeerka iyaga lagu beddelayo.
Haddaba, labada gole oo kala ah, guurtida iyo wakiillada ayaa lagu xantaa
in ay sii kala ciyaalo-suuqsan yihiin, iyadoo kuurtidu aan u aqaano halka
talada Shankaroontu ka liici weyday , ayaa wakiilladana loo quusiyaa
mutacalimiin mooshinada ka ganacsada.
DAGAALKII CIYAALKA IYO CIRAAQ KU GALEEN.
Laba iyo toban caano-maal oo cir Alla ka baryay, ayaa col iyo guluf cir
iyo dhulba leh, ayaa sidii caano geel caaroyuubta layskaga soo go’ay.
Gaas-dhegooleyaasha reer Ciraaq, ayaa nag ka siin gaadhay guutooyinka
gaas-shidaalka ah ee Maraykanka iyoi Ingiriiska ka soo asqo duulay.
Gulufkaas oo gaasdoon ahaa, waxa gadhka ka laaday ragga dagaal dhanka ah
reer Ciraaq, kuwaas oo beeneeyay qiyaastii ciyaalka ahayd ee Maraykanka
iyo Ingiriis ku luuqaynayeen, kuwaas oo saxaafadda ugu sheekayn jiray in
gardaradooda lagu soo dhaweyn doono.
Dagaaladan oo warboobayaashii idaacadaha gaaladu beentu ku bateen, balse
raadyow ma qaloocshe runta ka soo rujiyay ayay ka faalootay xulbado xaga
hore joogta. Dagaal oogayaasha dalka Maraykanka, ayaa isla jiidhay amaro
kala kaan ah oo laga kala sheegay dagaalka waanu hakinay iyo waanu
hinjinayba. Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Mr. Doonaye Raamsi-fule
oo ah nin ku orgomoobay dagaalka Ciraaq, ayaa la sheegay in ay soo food-saartay
farsamo xumadii uu isla xabeebinayay ciidamadiisa oo adhi-jirta Ciraaq
gelin dhan baaqsanayeen, ayaa qirtay in 30 askari qudhbaxeen 103
qiriricleeyiin, 17 kalena la la’ yahay, waase beentiiye 150 askari way ka
aguugtay ilaa 400 oo kale ayaa dhaawac ahaan lagu hubaa, iyadoo ilaa imika
uu ka khajilsan yahay “Ciraaq baa na laysay,” ayuu ku baqa baroortay in
Suuriya iyo Iiraan ku jiraan dadka Maraykanka oo loogu sheekeeyo
askartiina xabadda carbeed ma karto, ayaa u qaadan waayay guusha geerida
ah ee askartoodu soo gaadhay. Guuto ka mid ahi baqe la xishootay, ayaa
lagu xeeray askar kale si aanay isugu dhiibin Ciraaq oo aan xagga kale ku
soo jeedsan.
Tafaraaruq iyo baqo-caymad farabadan, ayaa la sheegay inuu naanaabiyay
ciidamada Maraykanka ee la sheego in ay Basrana dhaafeen, Baqdaadna aan
gaadhin. Taas oo duullaankii uu dhereriyay Umul-qasa ilaa Basra, inta
adhaxda oo Naasiriya ahayd lagu dhuftay shan meelood oo kalena laga
qaniinsan yahay oo habeen iyo maalinba dagaalyahanada Ciraaq haligayaan.
Dayuuradaha oo ahaa fidhiqooyinkii uu isku halaynayay Maraykanku ayaa la
sheegay in Jaylaanigu qab-qabtay, iyadoo tobaneeyo dayuuradood sidii
shimbiro haraaday iska soo daateen.
Ingiriiska maraanka ah, ayaa la sheegay in dayuuradaha derdermay ee
Maraykanku askaxiisa qaadeen oo goblankii is-qoorsaday. Rayidka dadka
Ciraaq oo la sheegay in ilaa 600 oo qofna laga dilay 650 dhaawac laga
dhaawacay, ayaa la sheegay in dagaalka Maraykan ay waa hore u sii
budhsameysteen oo gobol walba ay joogaan in Maraykan aaska u yuubtaa,
inkasta oo la sheegayo in aanay Maraykanka iyo wiilbaasyadii
xarasul-jamhuurka la odhan jiray weli is fara saarin, iyadoo Maraykanka
laftiisuna ciidamadiisa xoogoodii xarbiga ku dhammayn marka laga reebo
boqol kun. Bacaadka Basra iyo Naasiriya ku bakh-bakhtiya mooyaane
magaalada Baqdaad oo la sheegay in Maraykanku maraakiibtiisii ku
faaruqisay, waxay gantaal haysteen, ayaa la sheegay in dhismayaal badan
baaba’ laga dhigay, laakiin waxa la sheegayaa in dadka ku nooli
sayruukhyada ay la saaxiibeen oo sasba ka gelin.
Dhinaca kale, urur gar yaqaano ah oo ah ilaa boqol looyar oo Maraykan ah,
ayaa u qaashaartay in ay maxkamad la tiigsadaan ina Buush iyo Balayr,
kuwaas oo sheegay in ay ku eedeeyaan jebiyayaal laan-dheere.
Dad malaayiin gaadhaya ayaa isu diiwaangeliyay dagaal-nacayb, laba askari
oo Ingiriis ah oo diiday dagaal Ciraaq, ayaa la sheegay in la
maxkamadeenayo.
Si kastaba ha ahaatee, xulufada oo gardaradiisii guuldaro ku darsaday,
ayaa ka sii goojinaya kuna tegaya naftood huranimo u ban baxay, dadkaas oo
la sheegay in ilaa shan boqol oo kun gaadhayaa ku sii qulqulayaan Ciraaq,
iyagoo ka tegaya Suuriya iyo Urdun. Culimada lagu kalsoon yahay ee
Sacuudiga ayaa iyana la sheegay in shahiidnimadu ansaxday oo dadka
muslinka ah janno u dagatay. Dadka janadu u dagatay ee Maraykanku ka
amaarayo waxa ka mid ah Shiicada Iiraan oo la sheegay in ay doonayeen
waligoodba Maraykan soo doonta oo ay ku jano tagaan.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda dagaal oogayaasha Maraykanka ayaa sheegay in
ay bedelayaan noocii hore ee dagaalka ay u qoondaysteen, beddelkaas oo aan
la garanayn nooca uu noqon doono, balse anigu aan u malaynayo laba mid.
Inuu isku maqiiqo madaarka Baqdaad oo col iyo ciidan saayid ah cir iyo
dhulba ku cidhbiyo, garoomo kalena ka samaysto meel ka guuraa ah oo Naajid
agteeda ah, kaas oo uu doonayo inuu u soo rarto saanad iyo agabkii Turkiga
kaga habsaamay. Turkigaas oo ahaa meesha qorshihiisa qayrkii ka reebtay.
Arrinta labaad ee ka suurawda Maraykan, waxa weeye maadaama uu ka miciin
waayay Kurdiyiintii iyo Shiicadii oo uu rabay inuu sidii Bashtuugii Usbeeg
Karasaani ka horgeeyo. Haddii taasi u suuroobi weydo in magaalada Baqdaad
ku rido Nukleer oo sidii Harashiima dekendeken kaga dhigo.
Khuburada reer Ciraaq oo farsamada Maraykanka, sida quraanka u xafiday
ayaa la sheegayaa in noqonayaa kuwo awooday in ay Maraykanka aaskiisa ka
dareeraan. Sadaam oo isna rididiisa reer galbeed sahashaday ayaa marka aan
isagiyo ina Buush isu eegay aan isleeyahay ka la hor qabanayaa waa ina
Buush oo waliba maxkamada reer Yurub qabanaysaa ama Sadaam-ba soo qaban
doonaa dagaalkan ay ila tahay in labaatanka bishan uu cirka isku shareeri
doono oo bil gudaheedna lagu kala hagaagi doono.
BUSHAARO.
Xalay 12-kii habeenimo ayay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ku dhawaaqday
aqoonsiga Jamhuuriyadda Shankaroonland, waxa kale oo arrintaa ku dhawaaqay
160 dawladood oo dunida ah.
Beentay maahee, maalintii beenta adduunka ayaan badhkayga ka qaatay (1-da
April= maalinta beenta adduunka).
GABAY.
Dhegeystayaashayada qiirada la soo taaganow, imikana waxaan idiin saari
doonaa gabay dhiiri-gelin ah, waana kan:
Qaladkii Ciraaq lagu geliyo
Qiiqii kor u duulay
Qanaabilka minawaaradiyo
Qubayay aafaadka;
Markii dunida nimankii
Qaribay qalabka soo qaaday
Maraykaanka qooqani
Markuu qaafilnima duulay
Qaf-qafbaaba rag eedaye
Markay qaraxday baaruudu
Qofna lalama helin
Mootuhuu qubay Maraykaane,
Qori uma dhacaan waxay
Rideen qaadir baalmariye
Qabsataba iyaga oo lehoo
Qun u taxaashaaya,
Ayuunbay qolkii ugu galeen
Qaar la yuururane.
Markaasay dheguhu wada qarxeen
Qawdii kululayde,
Rag qiiraysanbaa laynayoo
Qabay hamuuntiiye.
Qabash-qabash markii
Maydka go’ay la isu qaadaayay
Janankii qadhmuunaa
Markuu qawlalada waaxay
Mid qaldhabay
Mid qaadqaadayiyo
Qaar wadada jiifa.
Qasa laysu dacaree
Hadday qabo lahaayeene.
Qoodiga furaad, naasiriyo
Qoofallada Naajid,
Dagaalkii qadhaadhaa markii
La isku qayraanshay
Nimankii qunbuladaa sitiyo
Qalab xiimaaya
Quustar iyo jigraa lagu eryaday
Gaalo qudhunlaye.
Sadaam qabashadiisii
Miyaa qaanacnimo diiday.
Mala quus shay xulufooyinkii
Qaafilnimo duulay
Qabarsanaaci ay aamineen
Qiiq ma ku asqoobay.
Qumayooyinkii miigagiyo
Qaacii ma hadheeyay.
Qawsaaradii adhi jirtii
Quusta u shiishtay
Alla qabay nin kii Raamisfiil
Quus mala hulleelay
Ina Buushkii qawdhami jiriyo
Bawl ma qiran waayaye
Balayrkii isqaad-qaadi jiray
Saw qal dhebimaayo
Quwad kibirtay weeyee
Rabigu saw qalibi maayo
Qayrkood ka hadhe
Boqor waa qadhqadhayaane
Markay soo qaxaan
Saw Berbera ka heli maayo.
Top |