Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 302 Date April 2, 2003

“Itoobiya Waxay Mudnaanta Koowaad Siinaysaa Somaliland, Balse Dhinaca Kalena Puntland...”

Burco: Badhasaabka Cusub Iyo Hawl-Galkiisii U Horeeyay.

“Ma Jirto Wax Madaxweynuhu Yidhi Qolladaa Sidaa Ha Loo Yeelo Iyo Qolladaa Hala Riixo”, Shir-Jaraa’id - Wasiir Daakhiliga.

Hogaamiyayaasha Xisbiga KULMIYE Iyo Fagaaraha Khudbadaha Berbera. "Ma jiro Beel inta meel laga qaado, beel kale lagu beddelayaa," Axmed Siilaanyo.

“Waxaan Noqonayaa Khaadim Idiin Shaqeeya Oo Makhaayadaha Idiinla Fadhiista,” Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe.

Ciidamada Xulafada Maraykanka Iyo Britain Oo Foodda Gelin Kari Waayey Magaalooyinka Ciraaq.

Dil-Dilaacii u Ubaxa.

Allaybaday: Mideynta Xafiisyada KULMIYE Iyo kuwii HORMOOD ee La Midoobay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA, Cinwaanada ka eeg.

IRMAANTA SUUGAANTA: Maxamad Xaaji Ismaacil Maxamud (Barkhad Cas).

Macnaha Iyo Taariikhda Fan-Masraxeedka.

Xisbiga UCID Oo xafiis Cusub Ka Furtay Suuqa Shiraaqle.


 


“Itoobiya Waxay Mudnaanta Koowaad Siinaysaa Somaliland, Balse Dhinaca Kalena Puntland...”

Prof. Mudane Tadesse, Khabiir Itoobiyaan Ah Oo Ku Takhasusay Taariikhda Iyo Siyaasadaha Geeska Afrika Oo Ka Hadlay Fursadaha Ictiraafka Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Prof. Medhane Tadesse oo ah Professor wax ka dhigga Jaamacadda Kotobe ee ku taal Addis Ababa, isla markaana ah khabiir ku takhasusay taariikhda iyo siyaasaddaha Geeska Afrika, ayaa xalay caweysinkii kulan Muxaadaro oo uu sharax kaga bixiyay fursadaha ay Somaliland beesha caalamka kaga heli karto ictiraaf iyo weliba waxyaalaha wiiqi kara ictiraafka, isaga oo kulankaa ku qabtay Xarunta Akadaamiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Prof. Medhane, waxa uu tilmaamo ka bixiyay waxyaalaha dhiiri-gelin kara ee ictiraafka Somaliland ama waxyaalaha wiiqi kara, laakiin ugu horeyn isaga oo tilmaamo ka bixinaya waxyaalaha dhiiri-gelinaya ictiraafka Somaliland, wuxuu yidhi: “Waxyaalaha Somaliland u soo jeedinaya in ay Beesha Caalamku ictiraafto, waxa ka mid ah; Sumcadeeda wanaagsan ee ay ku keensatay nabadda iyo xasiloonida ka jirta dhulkeeda iyo sidoo kale hannaanka dimuqraadiga ah ee lagaga dhaqmo, taas oo la odhan karo waa hannaan aan ka jirin dalal badan oo Afrika ku yaal. Waxa kale oo ka mid ah xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya oo ah mid keenay in ay Itoobiya marar badan Somaliland u noqoto sallaan badhitaaraya dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Somaliland ku raadinayso ictiraafkeeda.”

Dhinaca kalena Prof. Medhane, isaga oo tilmaamo ka bixinaya waxyaalaha hakiyay ictiraafka Somaliland, wuxuu ku tilmaamay: “Waxyaalaha hakiyay ictiraafka Somaliland waxa ka mid ah; habkii ay ugu dhawaaqday la soo noqoshada madaxbanaanideeda iyo siyaasadii ay Qaramada Midoobay ka dhaxashay Buthrus Buthrus Ghalle ee ku lidka ahayd Somaliland. Sidoo kale waxa hakiyay mowqifka dawladaha Carabta oo ah mid cadaadis saaraya in aan la ictiraafin Somaliland, taas oo ay Masar door weyn ka ciyaartay, ilaa haddana ka ciyaarayso, iyo xooggaga reer Galbeedka, siiba Maraykanka oo waqcadii kaga dhacday Xamar 1993 awgeed aan muddo dheer dareensanayn sida ay Somaliland uga duwan tahay Soomaaliya.”

Prof. Medhane Tadesse, waxa kale oo uu tilmaamay waxyaalo uu sheegay in ay wakhtigan xaadirka ah muhiimad u leeyihiin qadiyadda ictiraafka Somaliland, waxyaalahaas oo uu sheegay in ay haddii ay sida fiican noqdaan ay dhiiri gelin karaan ictiraafka Somaliland, haddii kalena wiiqi karaan, waxaana ka mid waxyaalaha; doorashooyinka Madaxtooyada ee foodda inagu soo haya iyo kuwa ka sii dambeeya ee Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay in haddii ay si xalaal ah u dhacaan ay dhiiri-gelin karana ama muhiimad weyn u yeelanayaan qadiyadda Ictiraafka, haddii kalena ay nitaakho weyn oo ay adag tahay sida looga soo waaqsado ku keeni karaan ictiraafka Somaliland ee hadda yididiiladiisu wacan tahay.

Sidoo kale, waxa uu Prof. Medhane sheegay in maamulka Somaliland oo ka lumay wakhti badan oo ay ahayd in culayska la saaro dalalka Afrika, si loogu qanciyo Ictiraafka Somaliland, laakiin wuxuu yidhi; “Inkasta oo aad moodo in dedaal arrintaa (Ictiraafka) ku saabsan uu ka soo kordhay dhinaca Somaliland oo ay jiraan dedaalo loo qaaday dhinaca Afrika.”

Prof. Medhane, waxa kale oo uu soo hadal qaaday xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland iyo dhinaca kale xidhiidhka Itoobiya iyo Puntland, iyadoo isla madasha uu muxaadarada ka jeedinayay laga weydiiyay su’aal ku saabsan xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu yidhi, “Waxaan u arkaa in dawladda Itoobiya mudnaanta koowaad siiso Somaliland, balse dhinaca kalena ay danaynayso, muhiimna ay u tahay xasiloonida Puntland.”

Top


Burco: Badhasaabka Cusub Iyo Hawl-Galkiisii U Horeeyay.

Burco (Haatuf):- Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen-Dheere oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Guuleed Daahir Samatar ayaa shalay markii u horaysay kormeer ku galaa-bixiyay xafiisyada hay’adaha Dawladda ee magaalada Burco, waxayna booqdeen dhawr meelood oo xarumaha Dawladda ah, iyaga oo aragtidooda kasokow warbixino ka dhegaystay maamulayaasha goobaha ay booqdeen.

Sida uu ku soo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan meelaha ay badhasaabka iyo ku xigeenkiisu booqdeen waxa ka mid ah; xarunta wasaaradda waxbarashada, baanka iyo wasaaradda beeraha, iyadoo uu kormeerkani ahaa mid ay madaxdani sheegeen inay xog-ogaal ugu noqonayaan xaaladaha iyo duruufaha maamul ee ka jira.

Isu-duwaha wasaaradda beeraha Burco, Maxamed Cabdi oo badhasaabka iyo ku xigeenkiisa xog-warran siinaya ayaa warbixintiisa ku bilaabay; “Shaqaaluhu waa 11 qof, laakiin 4 keliya ayaa mushahar qaata, inta kale wax mushahar ah ma qaataan, ta kale haddii aan ka warramo wax-qabadkayaga waxa ka mid ah bad-baadinta dhokmantiyadii dhulalka beeraha oo ku ay dalka dagaalo badani ka dhaceen, iyadoo ay dhukmantiyada badan ee aanu ururinay anfacayaan dalka iyo dadka, taasoo ay mushkiladda ugu weyni tahay isku qabashada dhul-beereedka.”

Isu-duwaha beeruhu wuxuu sheegay inay jiraan dad samaysta mulkiyadda dhul-beereedka ah oo foojari ah, isaga oo yidhi; “Ilaa haddaba waxaanu qabanay 19 mulkiyadood oo foojari ah. Dhinaca kalena waxa jira 82 beerood oo aan waxba laga qaban.”

Kusimaha guddoomiyaha waxbarashada gobolka, Maxamed Kaahin oo ka mid ah kormeerayaasha wasaaradda waxbarashada Burco ayaa isna Badhasaabka xog-warran ka siiyay xaaladda waxbarashada gobolka iyo duruufaha ka jira, laakiin kusimaha guddoomiyuhu wuxuu ka cawday Guddiga doorashooyinka gobolka, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan wasaaradda waxbarashada, iyagoo u gacan-dhaafaya oo aan wax talo ah ka warydiinayn Madaxda waxbarashada.

Sidoo kale, Badhasaabku meelaha kale ee uu booqday waxa uu warbixino kuwaas oo kale ah kaga dhegaystay Madaxda goobahaa.

Top


“Ma Jirto Wax Madaxweynuhu Yidhi Qolladaa Sidaa Ha Loo Yeelo Iyo Qolladaa Hala Riixo”, Shir-Jaraa’id - Wasiir Daakhiliga.

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa daadafeeyay eedaymo xukuumadiisa looga jeediyay xuduudaha degmooyin gobolka Hargeysa ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay wax ka beddeleen, wuxuu Wasiirku sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiirku wuxuu sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo ka jira deegaanka Waqooyiga Hargeysa (Daara-salaam), isla markaana in aanu waxba ka beddelin xuduudaha degmooyinka dalka muddadii yarayd ee uu hayay xilka wasiirnimo ee wasaarada arrimaha gudaha, wuxuuna Wasiirku tixraacayay qoraal uu wargeyska Jamhuuriya daabacay cadadkiisii shalay oo sheegayay in ay xukuumaddu wax ka beddeshay xuduudaha degmooyinka Daara-salaam, balse wasiirku wuxuu sheegay in aanay eedayntaasi sal iyo raad lahayn, ayna wadaan koox yar oo Hargeysa joogta, wuxuuna yidhi, “Anigu muddo yar ayaa wasaarada joogay, mana jiraan wax aan beddelay ee waxaan ku shaqaynayay sidii aan ugu imi ee ay doorashooyinka degaanku uga dhaceen codbixintiina loogu kala calaamadiyay.”

Wasiirku waxa uu sheegay in ay jireen guddi loo saaray degmooyinka cusub ee aan xuduudaha lahayn xiligii codbixinta golayaasha degaanka, si ay u soo qorsheeyaan meelaha ay kala raacayaan, kadibna ay guddigaasi ay u keeneen warbixin tilmaamaysa meelaha ay kala raaceen, sidaa awgeed aanay jirin meel uu meel kale raaciyay, laakiin wuxuu xusay in dadka u doodaya degmada Daara-salaam ay ka hadlayaan wax nidaamka iyo distoorka midna waafaqsanayn, wuxuuna yidhi, “Daara-salaam ma aha degmo ansaxsan ee golaha wasiirada ayaa iyada iyo meelo kale u gudbiyay golaha Baarlamaanka, si loogu tixgeliyo oo loogu eego in ay degmooyin noqon karaan iyo in kale, arrintaasina ma aha mid u taalla golaha Wasiirada iyo Xukuumadda ee waxay u taallaa golaha Baarlamaanka oo ansixin doonna ama odhan doona uma qallanto degmo, sidaa darteed ma jiro xad ay leedahay oo sharci ahi ee waxay ku koobnaanaysaa shan mitir oo aanay dhinacna u dhaafi karin, laakiin maalinta la ansixiyo ayaa xad looga jarayaa degmadii ay raacsanayd wixii ka horeeyay 1960-kii oo ahayd Hargeysa.”

Laakiin, wasiirku wuxuu intaa ku daray, “Sida uu nidaamka dawliga ahi dhigayo xeerka ay wasaaradani leedahay ama nidaamka dawliga ahba looma baahna in tuurta lagu qaato oo loo beddelo qabiil oo uu ninka Daara-salaam u hadlayaa ka sii dagaalamo waxaan weli la gaadhin, isagoo leh degmadaydaa la xadaynayaa oo Ceel-Sheekh ayay dhul ahaan yeelan doontaa, markaa in aanu inta halkaa ka dhaqaaqo uu qabiil ahaan yidhaahdo Ceel-Sheekh ayaa na soo raacaysa. Taasina ma aha wax uu xaq u leeyahay ee waa inuu ku koobnaado shanta mitir ee loo qorsheeyay, loomana baahna in qaab qabiil laga dhigo degmooyinka ee haloo daayo golayaasha deegaanka iyo wasaarada ku shaqo leh oo yaanay shacbigu tuurta ku qaadan shaqadii wasaaradan.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in xuduudaha degmooyinku ay yihiin wax ku cad xeerarka gobollada iyo degmooyinka, isla markaana ay wasaarada daakhiligu ay xeerkaa fullin doonto, laakiin buu yidhi: “Sababo badan oo ay ka mid tahay nabadgelyaddu ayaan hadda loogu degdegayn in la fuliyo, waxaase la samayn doonaa inta aan la gaadhin doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka, isla markaana ma jiraan wax Madaxweynuhu yidhi qoladaa sidaa ha loo yeelo iyo qolaada hala riixo, Madaxweynuhuna ma aha mid waxaa ku dhaqma, annaguna kuma dhaqano wasaarad ahaan, mana jiraan wax la kala qabsanayaa, laakiin waa in la dhawro nabadgelyadda iyo xasiloonida.”

Wasiirku waxa uu ugu dambayn sheegya in ay qoraal u keeneen odayaal ka kooban saddexda beelood ee deegamadaa wada degga, kuwaas oo uu tilmaamay in ay heshiis ku yihiin in waxba laga beddelin sida ay yihiin hadda xuduudaha degmadu, sidaa awgeed wuxuu wasiirku yidhi, “Annagu waxba kama qorayno afarta caaqil iyo tobanka Hargeysa jooga ee doonaya in dadka walaalaha ah ee saddex geesoodka ah in waxa ay heshiiska ku yihiin ee ay isku raaceen wax laga beddelo, taas oo ay odayaasha heshiiska ii keenay yidhaahdeen haddii xuduudahayaga wax laga beddelo nabadgelyadda ayaa xumaanaysa, markaa dawladdu dadkaasay tixgelinaysaa, wixii kalena waxaanu u aragnaa borobagaando iyo siyaasad meel kale ku xidhan.”
 

Top


Hogaamiyayaasha Xisbiga KULMIYE Iyo Fagaaraha Khudbadaha Berbera.
“Ma jiro Beel inta meel laga qaado, beel kale lagu beddelayaa” Axmed Siilaanyo.

“Madaxweynuhu wuxuu xod-xodanayaa in loo kordhiyo,” Mudane Siciid Cilmi Rooble.

Berbera (Haatuf): Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno kale oo ka mid ah hogaamiyayaasha iyo siyaasiinta KULMIYE habeen hore caweysinkii dadka reer Berbera kala hadlay fagaaraha khudbadaha ee 26-ka Juun, halkaas oo ay ragga KULMIYE iyo xubnaha Maamulka dawladduba khudbaddo isku dhaafsadeen, iyadoo ay wefti ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ahi doraad socdaal la xidhiidha ololaha doorashada ku tageen gobolka xeebta ku yaal ee Saaxil.

Sida ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (casaan), waxa fagaaraha 26-ka Juun xiligii ay ka hadlayeen Madaxda KULMIYE isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah, iyadoo dhinaca kalena weftiga KULMIYE guud ahaan si weyn loogu soo dhaweeyay degaamada gobolka Saaxil. Kulanka dadweyne ee fagaaraha khayriyadda waxa ugu horayn hadalka furay badhasaabka gobolka Saaxil, Maxamed C/laahi, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa; “Waajib ayay nagu tahay in aanu marti-gelino axsaabta tartamaysa marka ay noo yimaadaan.”

Badhasaabku, waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamada aanu sharcigu u ogolayn in ay galaan ololaha axsaabta oo aanay noqon kuwo xisbi u ololeeya. “Hase yeeshee, marka la gaadho codbixinta qofku xisbigii uu rabo ayuu codkiisa siin karaa,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Madaxda iyo hawlwadeenada xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil, waxana xubnaha halkaa ka hadlay ka mid ahaa gudoomiyaha KULMIYE ee gobolka Saaxil, Muuse Jaamac oo yidhi; “Gobolka Saaxil waa gobol baaxad weyn oo shanta gobol ee kalaba xad la leh, waxayna goobaha codbixinta ee gobolka loo cayimay yihiin 70-goobood oo keliya, laakiin taasi ma aha wax caqli-gal ah, waayo gobolku wuxuu ku yaal dhul xeebeed kulul oo aanay dadku xamili karin sidii doorashadii hore ee golaha deegaanka oo aanay weliba dadka badidoodu coddayn.”

Waxa kale oo ka mid ahaa ragga kale ee fagaarahaa ka hadlay, Faysal Madoobe iyo Cabdalle X. Cali oo labaduba hore Maayaro uga soo noqday Berbera, waxaana hadaladooda ka mid ahaa; “Waxa laynooga baahan yahay in aynu codkeena siino muhaajiriintii u soo dagaalantay Madaxbanaanida dalka oo aynu ku abaalmarino.”

Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Mudane Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah golaha Wakiillada, kana tirsan Xisbiga KULMIYE, wuxuuna Siciid si ba’an u dhaliilay Xukuumadda talada haysa.

“Nabadgelyadii aynu dunida ugu faani jirnay ayaa maanta khatar ku jirta, deegaamada gobollada barina waxa ku sugan ciidamo shisheeye ah,” ayuu yidhi Mudane Siciid Cilmi Rooble, isaga oo intaa ku daray “Waxa kale oo mugdi gashay siyaasadii debedda.”

laakiin Mudane Siciid oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiillada, waxa uu ka hadlay dhinaca dhaqaalaha, wuxuuna yidhi; “Anigu waxaan ahay gudoomiyaha guddiga dhaqaalaha golaha Wakiillada , markaa waxaan idiin sheegayaa in ay khasnadii dawladdu maanta faaruq tahay, ciidamaduna aanay saddex bilood mushahar ku qaadan, iyadoo ay miisaaniyadii kal hore ay soo baxday 19 bilyan oo ah dakhli dheeraad ah, laakiin cashuurtii dadka laga ururiyay waxa loo isticmaalay si khaldan oo keentay sicir-barar iyo in ay saamayn ku yeelato nolosha shicibka.”

Mar kale Mudane Siciid, isaga oo ka hadlaya muddo-kordhinta labada gole ee Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), wuxuu yidhi; “Golaha Wakiillada laba sanno ayaa loo kordhiyay, Golihii Guurtidana waxa loo kordhiyay saddex sanno, codsigaasina wuxuu ka yimid Madaxweynaha, laakiin iyadoo loo diyaar-garoobayo doorashooyin Wakiillada iyo Guurtidu xaq uma laha in ay weligood wax kordhiyaan, Madaxweynuhuna wuxuu xodxodanayaan in loo kordhiyo, taasina waa mid aanay bulshadu yeelayn.”

Xubnaha kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid C/casiis Samaale iyo Maxamed Iid Dhimbiil, kuwaas oo uu ugu horeyn dadka reer Berbera uga mahadnaqay sidii weynayd ee ay u soo dhaweeyeen, laakiin ugu dambayn munaasibaddaa waxa soo geba-gebeeyay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, isaga oo yidhi: “Waxaanu reer Berbera uga marti nahay in ay codkooda na siiyaan.”

Axmed Siilaanyo, waxa uu tilmaamo ka bixiyay sooyaalka taariikheed ee magaalada Berbera iyo waxtarka ay wadanka u leedahayba, isaga oo ku tilmaamay magaalo qadiim ah, isla markaana ah halbawlaha dhaqaale ee wadanka. Sidoo kale Axmed Siilaanyo sharax ka bixiyay Barnaamijka Siyaasadeed Xisbigiisa, isaga oo sheegay in haddii ay tartanka ku guulaystaan ay ka shaqayn doonaan horumarka dalka, wax badanna u qaban doonaan ummadda reer Somaliland.

Axmed Siilaanyo, waxa uu ugu dambayn ka hadlay warar uu ku tilmaamay dacaayad loo kala tabiyey isaga (Siilaanyo) iyo dadka reer Berbera, isaga oo sheekadaa tafaasiil ka bixinayana wuxuu yidhi; “Inkasta oo aanaan annagu cidna dacaayad u samayn, haddana had iyo goor marka tartan iyo doorasho lagu jiro, waxa la isu sameeyaa dacaayaddo, markaa waxaanu ognahay oo naloo sheegay in reer Berbera, dareemo lagu abuuray oo dad yidhaahdeen Axmed Siilaanyo wuxuu doonayaa inuu degaamada Berbera sida loo deggan yahay wax ka beddelo oo uu qolo qolo weydaariyo, laakiin walaalayaal waxaan idin leeyahay taasi waa dacaayad rakhiis ah oo aanay waxba ka jirin, mana jirto beel inta meel laga qaado (raro), beel kale lagu beddelayaa, xisbiga KULMIYE-na wuxuu u taagan yahay walaaleynta dadka reer Somaliland.”
 

Top


“Waxaan Noqonayaa Khaadim Idiin Shaqeeya Oo Makhaayadaha Idiinla Fadhiista,” Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe.
 

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, isla markaana ah musharaxa u tartamaya jagada Madaxweynaha ee xisbigaas ayaa shalay khudbad u jeediyay boqolaal qof oo isugu soo baxay fagaaraha Khayriyada.

Faysal Cali Waraabe wuxuu kaga hadlay khudbadiisaa oo la xidhiidha ololaha doorashada arrimo la xidhiidha barnaamijka xisbiga ee dhinaca doorashooyinka, laakiin wuxuu si gaar ah uga hadlay xidhiidhka Itoobiyaha iyo Somaliland iyo muddada loo kordhiyay Baarlamaanka labada gole.

Intii aanu gudagelin khudbadiisa waxa uu sheegay inay soo dhammeeyeen ololihii ay ku marayeen degaanada gobolka Hargeysa, isla markaana hadda wixii ka dambeeya ay u beddelayaan ololahooda gobollada kale.

Isagoo la hadlaya dadweynaha waxa uu yidhi; “Maanta Axsaabtu way kala baxday waxayna noqotay axsaab ay dadku leeyihiin iyo mid ay shakhsiyaad leeyihiin iyadoo ka ay dadku leeyihiin uu yahay xusbiga UCID,” ayuu yidhi, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in xisbiga UCID loogu talogalay inuu noqdo mid weligii jira oo sannadguuradiisa loo dabbaaldego.

“Haddii aad naga weydaan hebeladii aad taqaaneen waanu iska diidnay waxaanu nahay xisbiga keliya ee ku eryay ilaa shan xubnood shaqo xumo markii aanu aragnay inaanay waxba ku soo kordhinayn xisbiga,” ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay inay tageen wasaarada arrimaha gudaha oo ay iska xaadiriyeen UDUB, dadkaa xisbiga laga eryay.

Faysal Cali Waraabe isagoo ka hadlayay arrimaha ay wax ka qaban doonaan, waxa uu wax ka tiltilmaamay dhinacyada caddaalada, shaqaalaha, warfaafinta iyo guud ahaan arrimaha khuseeya bulshada. “Dumarka reer Xamarku markay islaayaan isma dilaane way is caayaan, doorashaduna waa caynkaa, markaa yaan la is caayine faankayga dhegaysta, anigu 45-jeer ayaan gurigayga ka baxay muddo toban sannadood ah, laba jeer mooyaane inta kale Somaliland ayaan u baxay. Rayaale iyo Siilaanyo weligood gurigooda ma ka baxeen iyagoo nabad doonaya,” ayuu yidhi Faysal isagoo ka hadlaya tartanka Axsaabta, isagoo intaa ku daray inay 1995-kii uu 30-jeer kasoo tallaabay Wajaale isagoo nabad raadinaya oo ay hadda dhib ku tahay, kana soo gaadhay, waxaanu sheegay inuu yahay khaadim u shaqaynaya dadka haddii la doorto. “Madaxweyne noqon maayee, waxaan noqonayaa khaadim idiin shaqeeya oo maqaaxiyaha idinla fadhiista. Maxamed Ibraahim Cigaal, Ilaahay haw naxariistee wuxuu idiinku duceeyay mid maqaaxiyaha idinla fadhiista, anigu kaasaan noqonayaa,” ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlayay muddo kordhinta golayaasha waxa uu sheegay inay iyaguba jeclaayeen muddo-kordhinta, balse waxa uu tilmaamay inuu ku jiro sannad dheeraad ahi, kaana ay ka tuuri doonaan haddii ay ku guulaystaan xilka.

Mar uu ka hadlayay dhinaca Itoobiya, waxa uu yidhi; “Itoobiya laba mid ayay noqonaysaa, ama xadkeena waynu kala xidhan sidii berigii Xayle Salaase ama waynu isu furnaan oo gaadiidkaa isku gudbi, laakiin yeeli mayno inay marna gaadiidkayaga qabsadaan oo dadkayaga toogtaan, marna yidhaahdaan walaalaynu nahay,” ayuu yidhi.

Waxa kaluu Faysal ka hadlay laanta af-somaliga ee BBC-da, oo uu ku eedeeyay inay buun-buuniyaan C/qaasim oo aan Madaxweyne ahayn. Ugu dambayna waxa uu ku booriyay dadweynaha inay codkooda siiyaan xisbiga UCID.

Waxa kaloo iyaguna munaasibadda ka hadlay madax kale oo xisbiga ka tirsan.

Top


Ciidamada Xulafada Maraykanka Iyo Britain Oo Foodda Gelin Kari Waayey Magaalooyinka Ciraaq.
 

Baqdaad (W.Wararka) - Ciidamada Xulafada ee dagaalka ka wada Ciraaq ayaa xoojiyay weerarada ay ku hayaan magaalooyinka dalka Ciraaq, gaar ahaana magaalooyinka Nejaf iyo Nasiriya.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadaas waxa ay weeraro ba’an ku ekeeyeen magaalooyinkaas, isagoo ku tilmaamay kuwii ugu adkaa ee ka dhaca degaanadaas tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Ciraaq.

Dhinaca magaalada Basra waxa ay sheegayaan wararku inay iyadana ka socdaan dagaalo ba’ani, hareeraha madaarka magaaladaas, iyadoo dagaalyahaniinta Ciraaqiyiintu ay Gaashaanka u daruureen weerarada ba’an ee kaga imanaya dhinaca xulafada, waxaana la sheegay in khasaare ba’ani uu meelahaas ka dhacay.

Madaxweynaha Ciraaq oo beeniyay in dad ka tirsan qaraabadiisu ay baxsadeen.

Madaxweynaha dalka Ciraaq, Sadaam Xuseen ayaa maalintii shalay beeniyay in dad ka tirsan qaraabadiisu ay u baxsadeen dhinaca Dibedda, isagoo intaa ku daray in aayaha isaga iyo qaraabadiisu uu ku xidhan yahay aayaha dadka reer Ciraaq. Waxaanu sidaa ku sheegay bayaan laga akhriyay telefishanka Ciraaq, isagoo meesha ka saaray wararkii maalmahan soo baxayay ee sheegayay in dad ka mid ah qaraabada Sadaam Xuseen ay u baxsadeen dhinaca dibedda Ciraaq, taasoo uu ku tilmaamay been iyo borobogaando ay faafinayaan wasaaradda difaaca ee Maraykanku.

Arrintani waxay ka dambaysay warar ay maalmahan faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamku oo sheegayay in marwada Madaxweyne Sadaam Xuseen iyo laba hablood oo uu dhalay ay u baxsadeen meel dibedda ka ah Ciraaq.

Xasuuqii dadka rayidka ah oo sii socda.

Iyadoo ay weli wadaan duulaanka ay ku hayaan Ciraaq ayaa waxa sii socda xasuuqa ay dadka rayidka ah u geysanayaan ciidamada xulafadu, waxaana la sheegay in dad badan oo rayid ahi ay ku dhinteen garaacista iyo duqaynta ay ku hayaan magaalooyin badan oo dalkaa ka mid ah. Waxaa kale oo ay ku tallaabsadeen xulafadu inay baadhitaan ku sameeyaan gaadiidka rayidka ah ee isaga gudbaya waddooyinka waaweyn ee dalka ku yaala iyagoo ka cabsi qaba weeraro is-biimayn ah oo ay ku kacaan dadka mutadawiciinta ah ee naftood hurayaasha ah, kuwaasoo gurmad ku galay dalka Ciraaq, iyagoo ka yimid dalal badan oo Carab ah.

Hans Bilks oo shaki ka muujiyay hubka halista ah ee Ciraaq
Madaxa baadhayaasha hubka ee dalka Ciraaq, Hans Bilks ayaa maalintii shalay shaki ka muujiyay sida ay suurtogal u tahay inay Ciraaq u adeegsato hubka halista ah dagaalka ay kula jirto xulafada Maraykanka iyo Ingiriiska ee ku duulay dalkaasi.

Hans oo ka hadlayay dalka Belgium-ka waxa uu sheegay inaanay Ciraaq hubka halista u adeegdsanayn hubka halista, maadaama ay dagaalkan ku heleen taageero ballaadhan oo loo hayo dadka reer Ciraaq, isagoo intaa ku daray in baadhayaasha hubku ay kasoo baxeen Ciraaq, iyagoo aan dhammaysanin qorshihii hub-baadhista ee ay u tageen Ciraaq oo uu ku tilmaamay inuu kasoo dhexgalay duulaanka xulafada Ciraaq.

Dhinaca kale, dadweyne farabadan oo mudaharaad kaga soo horjeeda weerarka lagu hayo Ciraaq ayaa isku soo baxay dalka Masar, Urdun iyo Falastiin.

Top


Dil-Dilaacii u Ubaxa.

Mengistu: Waqtigii Soomaalidu na soo weerareen meelaha ay naga soo weerareen waxay ahaayeen dhul banaano ah, isla markaana way naga hub iyo ciidan-ba badnaayeen, sidaa darteed dhinacooda ayey awoodu u janjeedhay, taasina waxay markii hore ka dhigtey inay Soomaaliya naga libaysatay, laakiin markii dambe waqti yar gudihiis ayaanu dhinac walba ka adkaanay, sidaa awgeed muddo aan todoba bilood gaadhayn ka dib ayaanu awood u yeelanay inaanu iska difaacno oo aanu jebino, iyada oo aanu sidaa ku hananay guul aad u weyn, isla markaana khasaarihii ay Soomaalidu noo geysteen markii hore ee ay na soo weerarayeen, khasaare laban-laab uga badan ayaanu markii dambe u geysanay, waxaanu dib ugu celinay meeshii ay ka soo duuleen, taas oo ay ciidamada Soomaalida ee na soo weeraray dalkayaga ka carareen, iyaga oo kaba la’, isla markaana ciidamadii Soomaalida hubkii ay dalkayaga la soo galeen sidii u dhamaa intay wada daadiyeen ayey iska wax ka dayeen.

Hase yeeshee mushkiladda dagaalka ay Soomaalidu nagu soo qaadeen sidaa kuma dhamaan ee Soomaalida ayuu gudaheeda ka sii dil-dilaacay, sidaa darteedna nimankii saraakiisha ahaa ee hogaaminayey ciidamadii Soomaaliya ee na soo weeraray ayaa markii ay dalkoodii ku noqdeen colaad qaaday, waxayna iyaga oo madaxweynahoodii la hadlaya yidhaahdeen (Itoobiya ma laha ciidan iska keen celin kara, isla markaana Babaygii, muuskii iyo liintiiba waa kuwaa dhulka ka buuxa inta uuna yidhi ayuu dab faraha noo geliyey oo aanu ku madhanay).

Dabadeed-na nimankaa saraakiisha ahi iyaga oo colaadaa haya markii ay dalkoodii ku laabteen ayey qalalaase bilaabeen, qalalaasahaasina sidii uu maalintaa u bilaabmay ma joogsan, waana ka maanta heerka ay taagan tahay gaadhsiiyey. Laakiin dhinaca Woqooyiga Itoobiya “Ereteriya xaaladdu si kale ayey noqotey, waayo colaaddu maadaama ay ahayd colaad sokeeye oo aanu cadawga nala dagaalamayaa meel fog jirin ee uu yahay cadaw hoosta nagaga jira, waxa dagaalkoodu isugu jira nooca ku dhufo oo ka dhaqaaq (Guerrilla War) iyo dagaalka caadiga ah ee fool-ka foolka ah, isla markaana samayska dhulkaasina waxa uu ahaa mid aad u adag oo buuralay u badan, taas darteed waxaanu kala kulanay dhibaato badan, markaa dagaaladii sii daba dheeraaday ee ciidamada Itoobiya waxay shacabka Itoobiya guud ka muujiyeen mucaaradada (diidmo), aan yarayn.

Tusaale ahaan markii hore ciidamada, sarkaal ilaa askariga yar ee dablaha ah inay dagaalamaan aad bay u jeclaayeen, taasina waxa ugu wacnaa dareenkooda kacaanimo jacaylka ah iyo anaga oo dareenkooda raali ka ahayn, taasi oo aanu anaga laftayadu (Mingestu) iyo madaxdii kale ee dhergiga) ciidamada kala qayb-galnay dagaalada, iyadoo aanu tagnay ilaa goobaha dagaalku ka socdo, taas oo aanu dhiiri-gelin weyn ku samaynay ciidamadayadii jiidaha dagaalka joogay, taasina waxay awood noo siisay inaanu gobol kasta degmo kasta iyo tuulo kasta oo ah Ereteriya ku taal ka saarno.

Dableyda hubaysan sidaa awgeed mrkii aanu qabsanay dhulka sare ee Itoobiya ee buuraha iyo dhulka ka hooseeya xeebta waxa dhulka Ereteriya ka samaysantahay waxoogaa xasilooni ah, dabadeedna shicibkii Ereteriya ee culaysku saarnaa ayaa ka raystay dhibaatadii haysatay, waayo shicibka Ereteriya waxay la’aayeen waxa ay cunaan iyo xaabo ay shitaan, laakiin markii ay waxoogaaga xasiloonida ah heleen ayey dib ugu fadhiisteen kuraastii iyo gogoshii ay ka kaceen, markaa noloshii caynkaas ahayd inta aanu ka saarnay ayaanu dadkii wax alaale iyo wixii ay u baahdaan waxaanu uga soo qaad-naa badhtamaha dalka, isla markaana aanu amaankoodii sugnay sidaa awgeed guulo badan uga soo hoynay dhinaca woqooyiga.

La soco cadadka dambe

Top


Allaybaday: Mideynta Xafiisyada KULMIYE Iyo kuwii HORMOOD ee La Midoobay.

Allaybaday (Haatuf) wefti xisbiga KULMIYE ah oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha xafiiska Allaybaday iyo ku xigeenkiisa, Daa’uud Muxumed Cawaale iyo Axmed Cabdi Shiil ayna ka mid ahaayeen xubno uu ka mid ahaa hawl-wadeenada xisbiga KULMIYE ee deegaanka Allaybaday ayaa labadii maalmood ee ina dhaafay degaamada Allaybaday ka wadday hawl-gal ay ku midaynayaan xafiisyada iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo kuwii HORMOOD ee la midoobay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Degmada Gebiley Maxamed Xasan waxay weftigaasi socdaalkooda ku soo mareen tuulooyin iyo deegaamo ay ka mid yihiin Taysa, Xidhinta, Geed-Abeera iyo xero-cadaad iyaga oo socdaalkooda ku simay magaalada Gebiley waxayna shalay dib ugu laabteen dhinaca Allaybaday. Laakiin sida uu weriyuhu ku soo waramay weftigaasi ka sokow midaynta Xafiisyada KULMIYE iyo kuwii HORMOOD ee la midoobay waxa kale oo socdaalkooda qayb ka ahaa olole dhinaca doorashada ah.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA, Cinwaanada ka eeg.
 

Indhawayd waxaad la soceteen in laga daawaday daafaha dunida Document ay soo duubeen Bbcda iyo uruka Somaliland Health Promotion Trust in Uk. Marka hore mahad naq buuxa ayaanu u soo jeedinaynaa intii ku hawlootay sidii barnaamijkan loo hirgaliyay.

Hadaba iyadoo lagu jiro wakhti doorashooyin Madaxtinimo loo diyaar garoobayo ayaa waxa mudan in hadana la is xasuusiyo meelaha bulshadu ka liidato iyo sida looga indho qarsanyo sawirkan dusha ku yaala hadaan soo qaato sawirka koowaad . 1) waa wiil yar oo lugtu go,day isla markaana aan haysan ushii ku boodi lahaa wuxuu siisto. sawirka 2) hooyo Somalilander ah oo darxumo ka muuqato iyada iyo ilmaheedaba dibadahana u hoyda iyagoo bilaa hoy ah. Sawirka 3) ilma yar oo xanuun ugu jira cisbitaalka Hargaysa. sawirka 4) waa hooyo Somalilander ah oo aan uur lahayn lagana helay xanuunka loo yaqaan Hebatitka ama qaybaha beer bararka waxay darxumo daraadeed iyo dawa la,aan u jiiftaa Cisbitaalka Hargaysa intaana waxaa u dheer iyada oo aan rajo lahayn in ay ka kacdo cudurkan iyo caruurtii badnayd ee ay dhashay sida ay ku danbayndoonaan maadaama aabahoodna uu xaabo u soo guri jiray si uu uga dhigo dhuxul uu ii biyo nasiib darro se islaantaa oo xanuun u jiifta dhakhtarka Haragaysa ayuu la joogaa maxay se nolosha awlaadaasi ku danbayn haday Geeriyooto. Sawirka 5) Darxumada ilmahaa gacanta ka gubtay bal eega ee la gu daloolinayo maqaska isaga oo xanuunkuu dareemayo aanay cidi la dareemayn waxaase ka dhib yaraan lahayd iyadoo la suuxiyo laakiin dhaqaalahaa halkee dhakhtarka uga imanayaa hadii Madaxtooyada oo u dhaw laga yaabo in lagu lumiyo lacag maal galin kari lahayd dhakhaatiirta iyo Cusbitaalada Somaliland . Sawirka 6) inan Gacantu jabtay isagoo si toosa loo kabayo bilaa suuxdin. Sawirka 7) inan lugtu ku go,day miinooyinkii isaga oo lugtaa go,day maahaane tan kale kabteeda ka raadsada xashiishyadda ama meelaha qashinka lagu daadiyo sawirka 8) waa Hodan 19 Jir ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee gabadhani way jabtay waxayna u geeriyootay iyadoo loo waayay dhaqaale lagu qali lahaa si si wanaagsan loogu kabo sidaa daraadeedna u geeriyootay waxaa badbaadin lahaa lacag uu wasiirku ku qayilo maalintii oo kaliya hadii laga war hayn lahaa 9) mishiinkani waa qalabka dhakhtarka yaala waana kuwa wax lagu karkariyo waxa la keenay 1953 ka dib toloow miyaa la waayay mishiino loogu deeqe xiligan oo ah kuwa casriga ah laakiin miyaa la waayey dadkii u dhaqdhaqaaqi lahaa.

Hadaan ka soo gudbo intaas oo duruufood iyo kuwo ka badanba waxay yaalaan Caasimadii dalka Somaliland waxaa intaa dheer in maalintii inta la qiyaasay in ka badan 40 Hooyo umul raacaan Somaliland Darxumo awgeed Hadaba Caasimadii markay sidan tahay sidee looga warhayaa magaalooyinka kale iyo Dagmooyinkii. Doorashooyin baa inagu soo food leh 3 nin baa u ordaya iyo wadaro daba socda si ay dhacdhac u helaan.

Sawirka 10) waa Mud.maxamuud Axmed Siilaanyo wuxuu ku mashquulay sidii loo dooran lahaa. Sawirka 11) mudane Daahir Rayale Kaahin oo muddo dheer usoo shaqo tagayay Madaxtooyada oo u jirta 200 talaabo DHakkhtarka Caasimadda.

Sawirka 12) Mud. Faysal Cali Waraabe waa nin tan iyo intii uu doorashada galay ku mashquulay sidii uu kursi u fuuli lahaa.

Siyaasiyoow ha ka shaqaysan umadaadee u shaqee ilaahay wuu ku waydiin maalinta lagu oofsado’e. Hadaba macna maqaalkani maaha yaan la taageerin Xisbiyada ee waxa weeye xisbiyadda halagu la xisaabtamo maxay qabanayaan. Taas oo aan leeyahay xisbiyada hala taageero, laakiin wax-qabad halagu taageero.

Waxaanu ka codsanaynaa TV Somaliland in uu soo duubo meelaha bulshadu ka liidato. Waxaanu ka codsanaynaa warbaahiyaasha ay u horeeyaan Haatuf iyo Jamhuuriya in ay eegaan halka xaaladaha bulshadu marayso ee aanay eeginuun hadalka siyaasiga waxaanu codsanaynaa in ay shirkadaha iyo tijaarta Somomaliland ay caawiyaan caruurta darxumaysan ee la Da'da ah Caruurahooda.

Waxaanu mahad naq buuxda oo mar walba ah u soo diraynaa ururada sama falka ee Somaliland ee ay u horeeyaan Somalilandforum iyo Somaliland Health Promotion Trust ay iyo kuwa kale een halkan ku qornayn sida jaaliyadaha dibada.
Cumar Cabdi Nuux
Calaydh2@hotmail.com
Helsinki Finland.

Maxamad Cabdi Xassan (Diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com
Pakistan Karachi.

Top


IRMAANTA SUUGAANTA: Maxamad Xaaji Ismaacil Maxamud (Barkhad Cas).

A.Ducaale.

Akhristayaal, mawduuca Irmaanta Suugaanta oo todobaad kasta aanu maalinta Arbacada idiin soo gudbino waxaanu idiinku soo gudbinaynaa sooyaalkii faneed iyo weliba taariikh nololeedkii Abwaan Maxamed Ismaaciil (Barkhad Cas).

Laakiin qormada ka hadlaysa Sooyaalkii faneed iyo taariikhdii Abwaan Barkhad Cas oo aad u dheer waxaanu idiinku soo gudbino doonaa qayb qayb, waxayna ku soo bixi doonaan laba-saddex cadad iyada oo aanu sheekada Abwaan Barkhad Cas ka soo xiganay shabakada Kaydiyo Suugaanta ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo Shunuuf.tripod.com.

Taariikhdii Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaaji Ismaciil Maxamuud [Barkhad Cas] Biixi Suufi Abokor oo ay saaxiib ahaayeen marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas), iyada oo uu Biixi mid ahaa raggii xogogaalka u ahaa ayaa isaga oo ka waramaya taariikh nololeedkii iyo maansooyinkii abwaanka wuxu yidhi: "Run ahaantii xilligan adag ee aynu ku jirno maan jeclayn in aan soo hadal qaado taariikhdii dhowrsanayd ee marxuum abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud oo ku magac dheeraa Barkhad-cas), balse waxaa igu keliftay oo aan qaadi waayey markii rag ka mid ah saaxiibadii reer Cadmeedka ee waayo-waayo oo xogogaal u ahaa in aan wax ka hayo taariikhdii iyo maansooyinkii abwaanka ee waayihii Cadan".

"Aniga oo si gaar ah ugu mahadnaqaya raggii hore dedaalka muujiyey ee sida niyad-samida ah wax uga xusay maansooyinkii marxuum Barkhad-cas ee wakhtigii dalka Cadmeed aniguna haddii aan wax hagrado halay hadho," ayuu yidh Biixi, laakiin isaga oo guda gelaya taariikhda wuxuu yidhi:

"Taariikh Nololeedkii Marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas) iyo maansooyinkiisii qaar ka mid ah ee magaalada Cadan laga soo bilaabo sannadkii 1953kii ilaa 1958kii oo aanu isku mafras ahaan jiray, iyo mar labaad taariikhdiisii dalka Somaliland ee 1958 ilaa 1963kii.

Aniga iyo marxuumku xilligaanu isbaranay waxaan ahaa Booliska Cadmeed waxaanan ka shaqayn jiray xaafadda Sheekh Cusmaan badiba marxuumka waxaanu lahaan jiray sheeko wadaag gaar ahaan xilliga qayilaada oo aanu isku mafras ahaan jiray xaafadaha Sheekh Cusmaan iyo Daara Sacad ee magaalada Cadan. anigu "Waxaan ahaa ninka qudha ee murtidiisa diiwaan geliya.

Marxuumku inkasta oo uu ahaa ragga kaftanka badan iyo weliba reer magaalka da'da ka xanaaqa intaa aanu wada joognay marnaba da'diisa maan su'aalin kaftanba ha ahaatee waxaan se hadda ku qiyaasi karaa in ay xilligaa da'diisu ahayd ilaa 35-40 jir. Midabkiisu wuxuu ahaa casaan aad u qorqoran. Wuxuu lahaa timo madow oo aad u jilicsan (timo Hindi), dhererkiisu qiyaas ahaan wuxuu ahaa 1-70M. Wuxuu lahaa golxo yar oo aan wax u dhimayn joogiisa iyo muuqaalkiisa midnaba. Labada foole sare wuxuu ku lahaa dabar cas oo laba liid ah, oo markuu qoslaayo aad loo jeclaystoMarxuumku wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo meesha uu fadhiyo lagu soo xoomo, waxaanu hadalkiisa raacin jiray kaftan, qosol dhoola caddeyna iyo weji furan oo reer magaalnimo ah."

Biixi Suufi isaga oo dhinaca suugaanta Barkhad-Cas faahfaahin ka bixinaya waayihii Barkhad-cas waxa uu yidhi: "Marxuumku wuxuu ahaa abwaan hal abuurka maansooyinka Ilaahay u siiyay deeq iyo hibo gaar ah, waxaanu kuba haasaawi jiray eray bixinta maansada isaga oo ragga meel la fadhiya ay caado u ahayd in uu midba midh kaftan ah ku tuuro.

Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu lahaa shakhsiyad naadir ah oo dulqaad iyo dabeecad sami ku aroorta, waxaanse aad uga xumahay taswiirtiisii oo aanan maanta gacanta ku haynin. Dhinaca tacliinta wuxuu si fiican ugu wanaagsanaa Carabiga af iyo qoraalba, waxaanu ahaa nin jecel waddankiisa iyo gaar ahaan Hargeysa oo uu mar walba afka ku hayn jiray. "

La Soco.

Top


Macnaha Iyo Taariikhda Fan-Masraxeedka.
 

Bilowgii Iyo aasaaskii fan-Masraxeedka Soomaalida labada erey ee fan iyo fan-masraxeed oo ka soo jeeda afka carabiga kuma cusba Soomaalida suugaanta xiisaysa. Waxa uu u muuqdaa marka aynu raacno luuqadaha qalaad, (Drama ama Dramatic Art) inuu u dhigmo.

Fan-masraxeedka waxa ku kulma dhamaanba jaadadka kala gedisan ee fanka sida fanka jilida, fanka ereyga (Suugaanta) iyo fanka muuqaalka waa midka keliya ee awoodda u leh inuu hal shaqo oo ruwaayad ah ku wada kulmiyo intaas oo jaad faneed oo iskaashanaya.

Inta aynaan gudo gelin qaybaha fankani leeyahay, bal aynu falanqayno su’aashani muranku ka taagan yahay ee ah, waa maxay fan-masraxeedku? Jawaabo kala gedisan, hase ahaato’e god keliya isugu ururaya, jawaabaha doodani waxa ka mid ah inuu fanku yahay nolosha oo la jilo, waa sida uu qoray Aristotle 25 qarni ka hor. Waxa kale oo lagu andacoonayaa in uu fan-masraxeedku yahay dubbe nolosha lagu dhisme celinayo, iyo ugu dambayntii, damaashaad dadku ku kulmo si loo muujiyo dareen wadareed oo la wadaago. Jawaabaha doodani kama tagsana xaqiiqada, mase jirto, mid la isku wada raacsan yahay, waxa lala yaabana ma aha kala gedisnaanta, jawaabahani marka loo eego dhaqamada kala duwan ee dunida ka jira iyo weliba inay ilbaxnimo kasta lahayd qaab masrax oo u gaara.

Wejigii ugu horeeyey ee fan-masraxeedku wuxuu ku dhisnaa ama ahaa mid diineed oo lagu muujin jirey qaabka ciyaar, heeso iyo muusigba. Aaminsanaantaasi diineed waxay ahayd dhawr nooc oo ay ka mid yiniin daacadnimo loo muujinayo Ilaahyo waagaa la caabudi jirey, xus dadku u muujiyo awoowyaashoodii, boqoradoodii iyo cidi ay weyneynayaan oo ay ku dhaataan.

Qoobka ciyaarka ayaa loo rumaysan yahay jirridda masruxu ka soo unkamay, iyadoo loo cuskanayo in ciyaar hideed kasta oo ummadi leedahay isugu jirey hab-dhaca dhaq-dhaqaaqa jidhka iyo luuqda maansada, taasi oo si aada ugu dhawaanaysa fan-masraxeedka, ruwaayaduna waxay ka soo dhalatay markii ay iskaashadeen tilmaamahani aan soo xusnay iyo qisada ay xambaarsan tahay.

Lama hayo wakhti go’an iyo cid gaara oo loo tirin karo bilawgii iyo aasaaskii fan-masraxeedka ilbaxnimo kasta oo dunida soo martey waxa la ogaadey inay inay lahayd masrax u gaara, ilbaxnimooyinka waxa ka mid ahaa masaaridii hore, giriiga, shiinaha iyo Hindida ummadaha kale ee aan laga hayn raadad caynkan oo kale u sugan, waxa loogu aaneeyaa keyd iyo qoraal la’aanta aan laga hayn hiddahooda.

Raadka ugu faca weyn ee masaaridu wuxuu ahaa kani ay ku muujinayaan riwaayad la sameeyey qiyaas ah 24 qarni ka hor oo ku salaysanayd arrimo diinaysi ahi, kana hadlaysay Ilaaha ka mid ah Ilaahyadii ay caabudi jireen oo inta la kidfay haddana dib loo soo dhoobay.

Giriiguna sida loo aqoonsan yahay wuxuu aha aasaasihii masraxa Yurub, oo ka bilawdey ciyaarihii iyo damaashaadkii la samayn jirey goorta cinabku soo go’o, qarniyaddi lixaad, shanaad, dhalashadii Nebi Ciise (CS) ka hor, ayuu masruxu si aada uga hana qaaday Yurub. Afar boqol oo sanno ka dib markii ay duntay Ilbaxnimadii Giriiga ayuu masruxu ka tisqaaday Rooma isaga oo la tallaabsanayey badhaadhihii Imbiraadooriyaddii Rooma.

Iyada oo uu fanku soo qufo siraha iyo dacallada dahsoon ee nolosha, haddana shaqadiisa ugu weyn waxa xuddun u ah waxa lagu magacaabo loolan uu mu’allifku ka dhex abuuro shakhsiyaadka riwaayaddu ku dhisantahay kaas oo ka turjumaya loolanka dhabta ah ee ka dhaxeeya mujtamaca, loolan dibadeedkani ka sokow waxa jira mid kale oo ruuxa aadmiga ah iyo naftiisa ka dhex aloosan.

Labada fikradood ee iska soo horjeeda ee marka keliya ku wada kulmaya lahashadiisa kuna dhalisa wel-wel iyo fikir uu ku qorshaynayo sidii uu uga bixi lahaa kala dhantaalnaanta haysata gudihiisa ayaa ka mid ah, laakiinse dadku marka ay masraxa tagayaan caado ahaan waxay u tagaan qosol iyo faakideysi, dhawrka saacadood ee ay riwaayaddu socoto daawaduhu wuxuu ilaawaa culays kasta oo saarnaa. Riwaayadda sida macaan loo dhisay waxay daawadaha ku kicisaa lahashooyin daqiiqad gudaheed ayaa laga yaabaa inuu mar farxad la ciiro, marna murugoodo, mar qosol kursiga kala kaco marna cadho af labadii waaxo.

Cumar Cali Ciidle, Hargeysa.

Top


Xisbiga UCID Oo xafiis Cusub Ka Furtay Suuqa Shiraaqle.

Hargeysa (Haatuf) Xisbiga UCID oo ka mid ah axsaabta siyaasadda ee ku tartamaya doorashooyinka madaxtinimada dalka ayaa maalintii shalay xafiis cusub ka furtay suuqa shiraaqle ee magaalada Hargeysa.

Furitaanka xafiiskan oo uu soo qaban qaabiyey urur la yidhaahdo Ayaanle waxa ka qayb galay madax sare oo ka tirsan xisbiga UCID oo uu horkacayo gudoomiyaha xisbigaas ahna musharaxa madaxtinimada ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo madax kale oo ka tirsan xisbigaasi. Khudbad balaadhan oo uu jeediyey Faysal Cali Waraabe furitaankii xafiiskaa waxa uu si weyn ugu mahad naqay ururka is xilqaamay ee soo qaban qaabiyey xafiiskaasi, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ka hadlay diyaar garawga loogu jiro doorashada madaxtinimada iyo qorshaha xisbiga UCID ee ku Aadan doorashada.

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay marxaladda uu dalku marayo iyo sida loogu baahan yahay in doorashooyinkaa looga qayb qaato.

Waxaanu ugu dambayn ku booriyey dadkii xafladaa ka soo qayb galay oo aad u badnaa inay ka fiirsadaan cida ay codkooda siinayaan ayna u codeeyaan xisbiga ku dhisan danta iyo aayaha dadka reer Somaliland.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay madax kale oo ka tirsana xisbiga UCID oo ay uu ka mid yahay xoghayaha abaabulka iyo wacyi-gelinta ee xisbiga UCID C/Samad oo ka waramay barnaamijka iyo qorshaha xisbigaasi oo uu wda musharaxa Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay inuu yahay musharaxa ugu haboon in la doorto.

Top