Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Wefti Itoobiya
Ah.
Dawladda Ingiriiska Oo Lacag Ugu Deeqday Hawlaha Doorashada
Somaliland
Midow Dhexmaray Xisbiga UDUB, Ururkii
SAHAN Iyo Garabyo Ka Soo Go’ay KULMIYE Iyo UCID Maxay Madasha Ka Yidhaahden
Dr. Gaboose Iyo Cabdi Xasan Buuni?
Is-Maan-Dhaaf Kulul Oo Ka Dhex Aloosmay Dawladda Dhexe Iyo Dawladda Hoose
Ee Hargeysa.
“Haddii Berbera Laygaga Adkaado
Ii Dhadhami-Mayso” Madaxweyne Ku Xigeenka oo ka hadlay Berbera.
Boorama: Loollan Xiisad Iyo Isku-Dhac
Keenay Oo Ka Dhex Oogan Taageerayaasha KULMIYE Iyo UDUB.
Xisbiga UCID Oo Dardar Geliyay Ololihiisa Doorashada.
Dawladda Ciraaq Oo Beenisay In Ciidamada Maraykanku
Ku Soo Dhawaadeen Madaarka Baqdaad. Muftiga Islaamka ee Dalka Ruushka Oo Ku
Baaqay in Jihaad Lagaga Hortago
Maraykanka.
Dawladda Itoobiya Oo Diiday Qaraarka
Gudida Calaamadinta Xuduudda
Hogaamiyayaashii Dhowaan Ku Soo Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Ka
Hadlay Kheyriyadda Burco.
Odayaal reer Hargeysa Ah Oo la Xidhxidhay Lana Siidaayay
Xalay Fiidkii.
Haweenka Somaliland Ah Oo Ka Hadlay Kaalintooda Siyaasadda.
Sixid.
Sooyaalka Taariikheed ee Ciraaq Waxaa Qoray Siciid Ismaacil Guraase,
Q: 2aad
Jilba Dhiig.
Garta xeerbeegti.
Waxaan Doonayaa In Dawladda Reer Miyiga Xil layga magacaabo.
Xisbiga Kulmiye Iyo Ololihiisa Xaamiga Ah.
WAADIGA CIYAARAHA.
|
|
Madaxweyne
Rayaale Oo Qaabilay Wefti Itoobiya Ah.
|
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha
jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay
xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo wasiiru dawlaha arrimaha
dibedda ee Itoobiya, Mr. Tekedu Alamu, kulankaas oo ahaa mid aan
saxaafadda loo oggolayn waxa markii uu dhammaaday ay madaxtooyada
Somaliland soo saartay war-saxaafadeed lagu qeexayo waxyaabihii lagaga
hadlay, warsaxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxtooyada
Cabdi Idiris Ducaale wuxuu u qornaa sidan:
“Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa saaka (shalay)
xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday xukuumadda fadaraaliga ah ee dalka
Itoobiya oo uu hoggaminayay wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Mr. Tekedu
Alamu.
Wasiiru-dawlahaa oo ugu horrayn ka mahad-celiyay sida kalkacaltooyada ah
ee loogu soo dhoweeyay Somaliland, sidii caadada u ahayd, wuxuu
Madaxweynaha u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo
Ra’iisal-wasaaraha xukuumadda fadaraaliga ah ee dalka Itoobiya Mudane
Gidhada iyo Meles Zenawi.
Waxa uu intaas raaciyay in ujeedada socdaalkani ay la xidhiidho ka
warhaynta marxaladdan qiimaha weyn ugu fadhida Somaliland ee doorashada
madaxtooyada, iyo isu xog-waran la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka
labada dal, waxaan ereyadiisii ka mid ahaa; Somaliland waa saaxiib la isku
halayn karo, taasi oo dan u ah labada dal.
Kulankaas oo ay Madaxweynaha kala qaybgaleen wasiiradiisa Arrimaha Dibedda
iyo Horumarinta Bulshada iyo qoyska Mudane Gees iyo Marwo Edna, waxa si
qalbi furan labada dhinac ay isugu dhaafsadeen xog-waran la xidhiidha
marxaladdan kala guurka ah ee Somaliland ay marayso, mawqifka Caalamka ee
hadda arrinta Somaliland dhegahoodu ay u furan yihiin iyo sidii sumcaddaa
Somaliland ay ku kasbatay wax-qabsigeedii dhinaca nabad-gelyada,
xasiloonida, dib-udhiska, ay uga tabcatay dhismaha maamul hanan kara
sharci iyo kala dambayn inay ka hana-qaado Somaliland iyo dib u dhis la
taaban karo, sidii looga ilaalin lahaa wixii qalin daaraya.
Wuxuu madaxweynuhu ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya inuu
ahaan doono mid waligiiba jira, oo u baahan inuu sii kobco maxaa yeelay
dantooda ayaa kala maarmaan ah maadaama Ilaahay meel ku wada abuuray.
Waxa kale oo uu arrimaha uu ku dheeraaday ka mid ahaa dedejinta marinadii
sharciyaysnaa ee uu isaga gudbi lahaa ganacsigu, arrintaa oo dawlad ahaan
iyo shacbi ahaanba dhibaato dhaqaale nagu haysa.
Kulankaasi oo si saraaxad ah lagu
wadahadlayay wuxuu ku dhammaaday jawi wanaagsan.”
Sidoo kale, Weftiga Itoobiya ee uu hoggaaminayo Mr. Tekedu Alamu wuxuu
kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta guddida doorashooyinka Qaranka iyo
hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee mucaaradka ah Mr. Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, laakiin lama sheegin waxyaalihii ay ka
wada hadleen, waxaana lagu wadaa inay weftiga Itoobiya dalkoodii dib ugu
laabtaan maanta gelinka dambe.
Top
Dawladda Ingiriiska Oo Lacag Ugu Deeqday Hawlaha Doorashada Somaliland |
Addis Ababa (Haatuf): Dawladda Ingiriiska, ayaa
shaaca ka qaaday in ay hawlaha doorashooyinka Madaxtooyada ugu deeqday
lacag gaadhaysa 125,000 (boqol shan iyo labaatan kun) oo giniga Ingiriiska
ah, sidaana waxa lagu cadeeyay war shalay ka soo baxay Safaaradda
Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa.
Warku waxa uu sheegay in 116,000 (boqol, lix iyo toban kun) oo lacagtaa ka
mid ah loogu deeqay in lagu qabto hawlaha guddiga doorashooyinka Qaranka,
iyadoo loo soo marin doono hay’adda sama-falka Jarmalka ah ee GTZ, waxayna
dawladda Ingiriisku sheegtay in ay lacagtani qayb ka tahay dhaqaalaha ay
beesha caalamku ugu talo-gashay in ay Somaliland kaga caawiso hawlaha
doorashada, lacagtaas oo guud ahaan xadigeedu gaadhayo 200, 000 - 250,000
(laba boqol ilaa laba boqol iyo konton kun) oo Giniga Ingiriiska ah.
Waxyaalaha loogu talo galay inuu dhaqaalahaasi ku baxo, waxa ka mid ah;
isgaadhsiinta hawlaha foodka, tababaro la xidhiidha hawl-wadeenada iyo
guddiyada doorashooyinka ee ka hawl-gelaya goobaha foodku ka dhacayo iyo
waxyaalaha kale ee khuseeya hawlaha doorashada oo ay ka mid yihiin;
wakiillada musharaxiinta u tegaya xisbiyada goobaha foodku ka dhacayo.
Dawladdu Ingiriisku, waxa ay sheegtay in ay bixinayso lacag kale oo tan ka
dheeraad ah, taas oo ah 4,000 (afar kun) oo giniga Ingiriiska ah, looguna
talo-galay in lagu kharashgareeyo koox yar oo khubaro ah oo ka imanaysa
Machad Cilmiga Doorashooyinka lagu barto oo ku yaal dalka Koonfur Afrika,
kuwaas oo ka mid noqon doona goob-joogayaasha doorashada iyo weliba in ay
ka qayb-qaadan doonnaan tababaro la siin doono wakiillada xisbiyada
siyaasadda u tagaya goobaha cod-bixinta.Sida lagu sheegay warkan, waxa
kale oo lacagtan afarta kun ah lagu kharash-garaynayaa koox kale oo ka
imanaya machad la yidhaa Inter African Group.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa, Mr. Myles Wickstead oo deeqdan
ka hadlaya, ayaa yidhi; “Dawladda UK, waxay ku faraxsan tahay in ay
awooday in ay caawimo u fidiso doorashooyinka Somaliland, iyadoo aanu hore
u caawinay doorashooyinkii dawladaha hoose ee qabsoomay, iyagoo u dhacay
si nabadgelyo ah bishii December ee sannadkii hore. Sidoo kale
doorashooyinka Madaxtooyada ee foodda inagu soo hayaa, waxay noqonayaan
tallaabo kale oo loo qaaday dhinaca qotominta nidaamka dimuqraadiga ah ee
axsaabta badan, taasina waxay fursad u tahay dhammaan dad reer Somaliland
oo ay ka mid yihiin dumarku, iyadoo ay beesha Caalamku si weyna indhaha
ugu hayso doorashadan, sidaa awgeed, waxaanu ugu baaqaynaa Xisbiyada oo
dhammi xaqiijiyaan in ay doorashadaasi u dhacday si wanaagsan oo
natiijadeeda la ixtiraami karo.
Top
Midow Dhexmaray Xisbiga UDUB, Ururkii SAHAN Iyo
Garabyo Ka Soo Go’ay KULMIYE Iyo UCID Maxay Madasha Ka Yidhaahden Dr.
Gaboose Iyo Cabdi Xasan Buuni? |
Xisbiga UDUB Oo Lala Midoobay.
Hargeysa (Haatuf): “Maanta waxa halkan ku midoobaya xisbiga UDUB iyo
ururka SAHAN, Garab ka mid ah xisbiga KULMIYE iyo garab ka mid ah xisbiga
UCID.” Halkaa waxa lagu furay xaflad shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee
xarunta Shaqaalaha dawladda magaalada Hargeysa. Xafladaas oo loo qabtay
ururkii SAHAN oo uu horkacayo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, koox ka soo
go’day xisbiga KULMIYE oo uu horkacayo Cabdi Xasan Buuni iyo nin la
yidhaahdo Siciid Jaamac oo isna sheegay inuu ka mid yahay guddiga fullinta
ee xisbiga UCID iyo Xisbiga UDUB oo midoobay, waxaana xafladaas oo si weyn
loo soo abaabulay khudbado ka jeediyay hogaamiyayaasha dhinacyada midoobay,
iyadoo hoolka shirarku ka socday aad loo soo camiray, isla markaana ay
jaanta iyo sawaxanku ku badan yihiin. Laakiin waxoogaa maaweelo ah oo
heeso iyo gabayo isugu jira, kadib waxa bilaabmay barnaamijkii khudbadaha.
Markii ay khudbaduhu bilaabmeen, waxa ugu horeyn cod-baahiyaha lagu soo
dhaweeyay Afhayeenka Xisbiga UDUB, Axmed Xaashi, wuxuuna hadalkiisa ku
bilaabay; “Maanta waxaynu halkan u fadhinaa Midowga ururkii SAHAN iyo
garabyada KULMIYE iyo UCID oo la midoobay xisbiga UDUB, wayna badan yihiin
xisbiyadan midoobay aragtiyaha iyo aydhiyoolajiyadaha ay ka midaysan
yihiin, waxaase ugu weyn mabaadi’da ah in wadanka lagu dhaqo diinta
Islaamka, laguna socod dimoqraadiyad ku salaysan diinta Islaamka. Waxa
kale oo a yka midaysan yihiin in ummadda reer Somaliland dhammaanteed ay
nabad iyo walaalnimo ku wada noolaadaan, ayna noqdaan qaran taam ah oo aan
qabiil iyo koox midna ku salaysnayn, isla markaana garabyada KULMIYE iyo
UCID haddii meelihii ay ku jireen ay cadaalad ka waayeen, waxaanu u
ballan-qaadaynaa in ay halkani tahay meel ay ka helayaan cadaaladii ay u
harraadanayeen. Ururka SAHAN, waynu garanaynaa abaabulkoodii golayaasha
degaanka oo ahaa mid aad u sareeya ururo badana cidhiidhi geliyay, markaa
farxad bay noo tahay in ay nala midoobaan, intii in le’eg iyo ka badan
ayaanuna filaynaa, waxaana aaminsannahay in ay maanta caddaatay cidda
Somaliland ka talinaysa shanta sanno ee soo socda.’
Afhayeenka UDUB, Axmed Xaashi, waxa uu soo hadal qaaday xisbiga KULMIYE oo
ay hore ula midoobeen qaybo ururka SAHAN ka mid ahi, wuxuuna yidhi;
“Waxaan xusuustaa khudbad uu jeediyay gudoomiyaha KULMIYE mar ay ku
biireen Cabdi Aw Daahir iyo koox yar oo uu wataa, maalintaas oo uu
Siilaanyo yidhi; ‘Maanta ayuun baa shakigii iga baxay’ laakiin maanta ayuu
shakigii ugu weynaa galay Axmed Siilaanyo.” Siciid Jaamac oo isna ka socda
UCID, ayaa halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, “In Xisbiga
UDUB haysto kalsooni badan, halkan ayay ka iftiimaysaa, waana inaynu u
tafa-xaydanaa sidii uu xisbigani u soo bixi lahaa, isla markaana
taageerayaasha xisbigii aan ka tirsanaa marka hore mahad baan u celinayaa,
mar labaadkana waxaan leeyahay soo raaca laydhkan iftiimaya, mucaaradad
meel lala cararaana maanta uma jeedno.”
Waxa kale oo iyaguna madashaa hadalo ka jeediyay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
iyo Cabdi Xasan, kuwaas oo uu mid waliba ka waramay sababaha ay ula
midoobeen xisbiga KULMIYE, laakiin Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, Maxamed
Ismaaciil Bulaale ayaa ugu dambayn xafladda soo geba-gebeeyay, hadalna
halkaa ka jeediyay, isaga oo yidhi; “Nabadgelyaddu sida ay u jabtaa waa
wax fudud in la gartona waa wax loo baahan yahay, markaa cidii kale ee la
timaadda waa yeelkeed, laakiin inagu (UDUB), waxaynu isku waaninaynaa in
aynu iska ilaalino wax kasta oo keeni kara nabadgelyo-xumo, dulqaad
badanna aynu samayno.”
Xoghayaha Guud ee UDUB, waxa uu isna tixraacay hadalkii Axmed Siilaanyo ee
munaasibadii ay xisbigiisa KULMIYE kula midoobeen qaybo ururka SAHAN ahi,
wuxuuna xoghayuhu yidhi; “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ninku wuu dhintaa,
balse ereygiisu ma dhinto. Sidaa darteed, aniga maanta mid iga qora
‘Maanta ayaan hubaa xisbiga KULMIYE inuu hungoobay’, markaa waa inaynu
ogaano in Illaahay wax bixiyo ee aan qarjajac iyo dagaal iyo hanjabaad
midna waxba lagu soo helayn.” Xasan Cabdi Buuni iyo Dr. Maxamed Cabdi
Gaboose, ayaa madashaa ka jeediyay khudbadaha ugu dhaadheer, laakiin Cabdi
Xasan Buuni oo hadalka ku horeeyay, waxa uu ugu horeyn ka hadlay sababta
uu KULMIYE uga yimi, isaga oo ku andacooday in aanu ahayn garab yar oo soo
go’ay, balse uu hogaaminayo Xisbiga badhkiisii oo soo go’ay, isaga oo
yidhi; “Ma nihin garab soo go’ay ee waxaanu nahay xisbi badhkii oo soo
go’ay, anaga oo ka kooban dadka reer Somaliland oo dhan.”
Cabdi Xasan Buuni, waxa uu ka mid ahaa xubno dhawr ah oo isu sharaxay
jagada Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE, laakiin wuu ku
guul-daraystay inuu ku soo baxo, kadib markii lagaga cod batay madashii
lagu kala dooranayay raggii jagadaa isu soo sharaxay, iyadoo jagadaa ku
soo baxay C/raxmaan Aw Cali Faarax oo hadda ah musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka
Xisbiga KULMIYE, laakiin Cabdi Xasan Buuni, waxa uu ku dacwiyay in
cadaalad-darro ka dhacday xisbiga KULMIYE dhexdiisa, sababtaana ay uga
yimaadeen isaga iyo ragga kale ee la socdaa, wuxuuna isaga oo arrimahaa ka
hadlaya yidhi; “75 xubnood oo xubno ka ahaa golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa
ka biyo-diiday markii uu xisbiga KULMIYE ka baaqsaday mabaadi’dii aanu
kaga mid noqonay oo ahayd in la helo wado tashi, doorasho xor ah oo
cadaalad u dhacda xibiga gudihiisa iyo xoojinta midnimadda ummadda reer
Somaliland iyo in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud, taas oo
awoodii guddiga fullinta loo wareejiyay 7 xubnood oo uu gudoomiyuhu madax
ka yahay, halkaana uu ku burburay wada-tashigii. Sidoo kale xisbiga
KULMIYE, wuu ka baaqsaday in la helo doorasho xor ah oo cadaalad u dhacda,
waayo waad ka war qabtaan wixii dhacay markii la dooranayay musharaxiinta
Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, sidaa darteedna waxaanu nidhi ma
ku sii jiri karnaa cadaalad daradaa dhacday, maxaase dhici kara doorashada
kale ee weyn haddii ay maantaba xisbiga KULMIYE taasi dhexdiisa ka dhacday?,
jawaabtuna maya ayay noqotay, sidaa ayaanuna KULMIYE kaga baxnay,
dabadeedna markii aanu isla eegnay saddexda xisbi, UDUB ayaa noqotay
meesha ugu roon oo aanu ku soo biirnay.”
Intaa kadib, Cabdi Xasan Buuni, waxa uu ka sheekeeyay sooyaalkii
taariikheed ee Somaliland iyo halgannadii soo maray, isaga oo xusay
halgankii xilligii gumaysigii Ingiriiska, halgankii SNM iyo halgankii
dambe ee nabaddaynta iyo dhismaha dawladnimada Somaliland, laakiin waxa
kale oo uu ka hadlay duruufaha Somaliland ka jira, gaar ahaan dhinaca
siyaasadda iyo dhismaha maamulka, isaga oo si gaar ah u xusay gobolka Sool.
“Inta Sool inaga maqan tahay, waynu garanaynaa in ay midnimada Somaliland
kala dhantaallan tahay” ayuu yidhi Cabdi Xasan Buuni, wuxuuna intaa ku
daray “Waa in aynu dawlad iyo xisbiyo-ba u hawl-galno helidda midnimada
Somaliland.”
Cabdi Xasan Buuni, waxa kale oo uu dhaliilay distoorka Somaliland oo uu ku
tilmaamay inuu leeyahay gol-daloollooyin badan oo u baahan in si degdeg ah
wax looga qabto, laakiin sidoo kale waxa uu aad u dhaliilay go’aankii
muddo-kordhinta labada gole ee Wakiillada iyo Guurtida, isaga oo yidhi;
“Baarlamaanku waxay muddo-kordhinta ka dhigteen ‘la joojiyaana banaan, la
jiifiyaana banaan’, waayo, laga soo bilaabo 1993-kii ilaa maanta waa toban
sannadood, isla markaana marka loo geeyo inta ay hadda kordhisteen waa 12
sannadood iyo 13 sannadood, laakiin adduunka laguma arag baarlamaan 13
sanno meel fadhiya.” Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa isna halkaa ka
jeediyay hadal dheer oo dhinacyo badan leh, laakiin waxa uu ugu horeyn ka
hadlay sidii uu ururkiisa SAHAN u hadhay, isaga oo sababta ku tilmaamay
cadaalad-darro lagu sameeyay. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in ay danta
ummadda Somaliland wax walba uga tanaasuleen.
“14 cisho markii ay ka hadhsanayd doorashadii deegaanka, ayaa ururka SAHAN
la fasaxay oo loo ogolaaday inuu tartanka doorashada ka hawl-galo, laakiin
raggii ururka SAHAN ku jiray waxay muujiyeen in ururadii muddada dheer
halgamayay ay qaar badan dhaafaan, maantana 14 cisho ayaa doorashadii ka
hadhay, markaa 14-kaa cisho waxa uu SAHAN gooyo indhihiina ayay hor iman
doonaan.”
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa kale oo uu sheegay in mabaadi’da ururkiisu
ahayd ku dhaqanka diinta Islaamka, sidaa darteedna mar ay Madaxweyne
Rayaale la kulmeen uu ka ballan qaaday inuu dalka ku dhaqayo mabaadi’da
Diinta Islaamka, laakiin wuxuu Gaboose sheegay in aanay Madaxweyne Rayaale
xilal iyo maaliyad toona weydiisan, iyadoo uu Dr. Gaboose dhammaan xubnaha
iyo taageerayaashii ururka ku amray in ay ku biiraan UDUB laga bilaabo
shalay.
Dr. Gaboose, waxa kale oo uu khudbadiisa ku soo hadal qaaday guddiga
doorashooyinka oo uu ku eedeeyay in aanay doorashadii ururada u cadaalad
fallin, laakiin wuxuu ugu baaqay hadda kadib in ay dadka u cadaalad
fallaan.
Hore garab ka tirsan ururka SAHAN, ayaa ku biiray Xisbiga KULMIYE, laakiin
Gudoomiyaha SAHAN, Dr. Gaboose, inkasta oo aanu tafaasiil dheeraad ah ka
bixin, isla markaana soo hadal qaadin raggii KULMIYE ku biiray, haddana
waxa uu madasha ka sheegay inuu ururka SAHAN dhan yahay, isla markaana ay
hogaankiisii halkan wada fadhiyaan, sidaa darteed uu ururka SAHAN, isagoo
isu dhan ku biiray UDUB.
Dr. Gaboose, waxa kale oo uu sheegay in inkasta oo uu sheegay inuu raacsan
yahay halka uu ururkiisu ku biiray, haddana wuxuu intaa ku daray inuu
isagu si gaar ah ugu mashquuli doono hawlihiisii dhakhtarnimada.
Top
Is-Maan-Dhaaf Kulul Oo Ka Dhex Aloosmay Dawladda Dhexe Iyo Dawladda
Hoose Ee Hargeysa. |
“Waxa jira arrimo marag-fur u ah In Qoraalka
Xeer-ilaaliyaha iyo Xildhibaanka uu wax ka diyaariyay Wasiirka Daakhiligu”
Afhayeen u hadlay Golaha Deegaanka Hargeysa
“Xeer-ilaalinta iyo Golaha Wakiilladu waa laba hay’adood oo madaxbanaan ee
maxaa aniga ii keenay qoraalladooda.”
Hargeysa (Haatuf): “Wasaarada Arrimaha Gudaha oo hore u maamuli jirtay
dawladda hoose, waxa iminka ka dhaadhici wayday oo ay u qaadan la’dahay in
ay ay dawladii hoose ka madaxbanaan tahay oo gole degaan la soo doortay,
laakiin haddii aanu nahay golaha degaanka, ma yeelayno in dawladda hoose
debedda lagaga soo sameeyo faro-gelin.” Sidaa waxa yidhi, Afhayeen u
hadlay Golaha Degaanka Hargeysa, iyaga oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay
xarunta dawladda hoose, waxayna si ba’an u canbaareeyeen qaar ka mid ah
madaxda dawladda dhexe, kuwaas oo ay ka eedeeyeen in ay faro-gelin ku
sameeyeen maamulka dawladda iiyio hawlaha golaha degaanka ee dhawaan la
doortay, laakiin shirkan jaraa’id waxa uu daba socday muran cirka isku
shareeray oo mudooyinkan u dambeeyay ka dhex aloosnaa golaha degaanka
Hargeysa iyo dawladda dhexe, kadib markii ay labada dhinac si weyn isugu
maan-dhaafeen qaabka ay u wado shaqaynayaan iyo awoodaha ay kala leeyihiin,
taasina waxay keentay in ay labada qolo si is-daba joog ah isu dhaafsadeen
qoraalo kulkulul oo ay isugu jawaabayaan, iyadoo ay dhinaca dawladda sare
arrinta soo gacan geliyeen qolooyin dhawr ah, sida wasaarada daakhiliga,
xeer-ilaalinta iyo golaha wakiillada dir-kaba, halkaana waxa aloosmay
dagaalkii xiddigaha.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda, Xuseen Cabdi Qaalib, ayaa 31-kii bishii
March 2003, soo saaray qoraal uu ku socod siiyay xoghayaha fullinta
dawladda hoose ee Hargeysa, isaga oo ogeysiin-na siiyay dhinacyo ay ka mid
yihiin; Wasiirka Daakhiliga, Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo
Madaxweyne Ku-xigeenka, laakiin qoraalkaas oo uu Xeer-ilaaliyuhu ku
canaantay Xoghayaha Fullinta Dawladda Hoose, waxa uu ka dalbaday inuu
warbixintooda u soo gudbiyo sida ay u dhaceen go’aamo iyo tallaabooyin ay
ku dhaqaaqeen golaha degaanku, iyadoo uu Xeer-ilaaliyuhu qoraalkiisa ku
sheegay in waxyaalaha ay Golaha Degaanku ku dhaqaaqeen aanay qaynuunka
waafaqsanayn, isla markaana Xeer-ilaaliyuhu wuxuu qoraalkiisa ku xusay
inuu daba socdo dacwad ay wasaarada daakhiligu arrimahaa ka soo gudbisay,
wuxuuna Xeer-ilaaliyuhu qoraalkiisa ku yidhi, “Anigoo tixraacaya qoraalka
golaha wakiillada ee sumadiisu tahay GW/GSSH/382/2003, ee 20/3/2003,
ujeedadiisuna ahayd xil-dhaaf iyo gefaf sharci iyo qoraalka Wasiirka
Arrimaha Gudaha ee sumadiisu tahay WAG/XW/281/11/2003, ee 29/3/2003,
ujeedadiisuna ahayd baadhi eedaymeed.
Haddaba, si xafiiskani u ogaado xaqiiqada jirta ee ay ka hadlaya
qoraaladaasi waxa la weydiisanayaa Xoghayaha Dawladda Hoose sida uu
jideynaayo qodobka 30 ee Xeer No. 23/2002 inuu xafiiska us oo gudbiyo si
degdeg ah go’aanada lagu gaadhay arrimaha soo socda;
In loo magacaabay xubno Golaha Deegaanka ka tirsan in ay ka hawl-galaan
xafiisyada degmooyinka caasimadda, taas oo ka baxsan waajibaadka ku cad
qodobka 20aad ee Xeer No./23/2002. In ay Golaha Deegaanku qorshaysatay
mushaharooyin, gunooyin, xil, taas oo ka baxsan qodobka 31aad ee xeerka
No. 23/2002. In ay Golaha Deegaanku curiyey cashuuro iyo takaaliif aan
xeer jideyn, taas oo aan waafaqsanayn qodobka 12 iyo 54aad ee Dastuurka
Qaranka iyo Xeerka No. 12/2000.
In Golaha Deegaanku u codeeyey in shaqada laga eryo shaqaale tiradoodu
boqol kor u dhaaftay, si aan waafaqsanayn xeer Lam. 7/1997 (Civil Service
Law).
Si haddaba xafiiskani u ogaado, ugana go’aan qaato haddii gefaf sharci
dhaceen, waxaa muhiim u ah inuu helo qoraaladii laga gaadhay arrimaha kor
ku xusan.”
Waxa kale oo isna arrinta Golaha Deegaanka qoraal ka soo saaray
Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Golaha Wakiillada, wuxuuna qoraalkiisa ku
eedeeyay Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu ku tilmaamay in ay ku
tallaabsadeen waxyaalo gef sharci ah iyo ku tagri-fal awoodo aanay lahayn,
isaga oo yidhi, “Waxa beryahan dambe isa soo taraya gefaf sharci iyo
xil-dhaaf ay ku tallaabsadeen golayaasha deegaanka qaarkood, waayo waxa la
magacaabay xubno golaha deegaanka ah in ay si joogto ah uga hawl-galaan
xafiisyada degmooyinka Caasimadda iyo waaxyaha dawladda hoose, taas oo
macnaheedu noqonayo in ay golihii deegaanku ku milmeen guddigii fullinta
ee ay ahayd in ay xil-gudashadooda ku kaantaroolaan iyo inuu golaha
deegaanku gabbay xilkii ummaddu u igmatay.
Waxa kale oo golaha deegaanka caasimaddu qorshaystay mushahaarooyin iyo
gunooyin xil oo aanu u meel-dayin, taas oo gabood-fal ku ah qoondaysiga
hanti ummadeed iyo ku xad-gudub sharcin, maadaama shaqadoodu tahay tabaruc
aan wax mushahar ah lagu qaadan karin, sida ku cad qodobka 31aad ee xeerka.”
Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Wakiilladu, waxa kale oo uu golaha
deegaanka ku eedeeyay in ay sameeyeen tacriifado cashuuraha dawladda hoose
ah, taas oo uu ku tilmaamay in aanay lahayn wax daliil sharci ah, isaga oo
yidhi; “Waxay qallin-daraaleeyeen tacriifadii cashuuraha dawladda hoose ee
ay golaha wakiilladu ansixiyeen ee ahayd xeer Lam. 12/2000, waxaana halkaa
ka cad in ay ku xad-gudbeen qodobka 54aad ee dastuurka.”
Sidoo kale, wuxuu gudoomiyahani golaha deegaanka Hargeysa ku eedeeyay in
ay shaqada ka eryeen shaqaale tiradoodu kor u dhaaftay boqol qof, kuwaas
oo uu ku tilmaamay in aan erigooga loo cuskan nidaamka sharci ee lagu
dhaqo shaqaalaha iyo waxyaale kale.
Laakiin dhinaca kalena, Afhayeen u hadlay Golaha Deegaanka Hargeysa oo
magaciisa la yidhaahdo Jaamac Ismaaciil Shabeel, ayaa jawaabo kulkulul ka
bixiyay qoraallada ka soo baxay dhinacyada aynu kor ku soo xusnay. Sidaa
darteed, Jaamac Shabeel, waxa uu ugu horeyn isaga oo u jawaabaya
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka yidhi; “Xeer-ilaaliyuhu afarta arrimood ee
uu qoraalkiisa ku xusay hal qodob oo keliya oo ah arrinta shaqaalaha la
eryay ayaanu u aragnaa inuu soo geli karo, waa haddii ay jiraan shaqaale
xuquuqdooda la dulmay oo ay tahay inuu u dooddo marka ay u soo dacwoodaan,
isaga oo marka hore u maraya hay’adda Shaqaalaha, laakiin arrinta noocaas
ahina kama muuqato qoraalka Xeer-ilaaliyaha, sidaas darteed waxa isweydiin
leh Xeer-ilaaliyaha Guud sidan badheedhka ah ee uu u soo fara-gelinayo
hawlaha golaha deegaanka caasimadda, taas oo aanu odhan karno mudanuhu ma
garan-la’a shaqadiisa, balse waxaan leeyahay timir lafbaa ku jirta,
waxaanuse ku leenahay yaanay mar dambe dhicin gacan-dhaaf intaa le’eg oo
aad ku samayso golaha deegaanka.”
Sidoo kale Afhayeenka Golaha Deegaanka Hargeysa (Jaamac Shabeel), waxa
kale oo uu jawaab kulul ka bixiyay qoraalka uga yimi Gudoomiyaha Guddiga
Shuruucda Wakiillada, qoraalkaas oo ilaa saddex bog ka kooban, waxa uu
Afhayeenku sharax kaga bixiyay waxyaalaha eedaymaha ah ee loo jeediyay
golaha deegaanka, isaga oo dhammaantood waxyaabihii lagu eedeeyay
golihiisa gaashaanka ku dhuftay, isla markaana qoraallada dhinaca dawladda
sare uga yimid ku tilmaamay kuwo soo marin habaabay. “Waa been hubsiimo
la’aan kaaga soo butaacday marka aad leedahay waxa la kordhiyay Cashuur,
taas oo aan marnaba dhicin,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel, isaga oo intaa ku
daray; “Shaqaalaha la eryay ee aad ka hadashay ma aha kuwo si xalaal ah u
soo maray hay’adda shaqaalaha, waxayna hay’adda shaqaaluhu go’aamisay in
dawladda hoose u baahan tahay 450 shaqaale ah, maantana waxa jooga in ka
badan 700 oo shaqaale ah, ta kale nin Madaxweyne eryay fadeexadiisuna sii
muuqato cidii u dooddaa iyadaa ku ceebaysan, waxaana laga hadli karaa
shaqaale ku yimi sife sharci ah, markaa maxaa ku geliyay, mise cidbaa ku
tidhi intaa noo dheh, mase ogtahay Xildhibaan in Wasiirka Arrimaha Guduhu
magacaabay Gudoomiyaha Degmada Koodbuur ee Hargeysa, mase ogtahay in
Wasiirka Arrimaha Guduhu dib u soo magacaabay dadkii xeer Madaxweyne lagu
eryay. Markaa arrimahaasi, miyaanay ka horimanayn mabaadi’da aasaasiga ah
ee is-maamulka gobollada iyo ku tumasho xeerka gobollada iyo degmooyinka.”
Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku soo geba-gebeeyay; “Arrimaha aanu kor ku
soo sheegnay meelna kama soo galaan shaqada Guddiga Shuruucda ee Golaha
Wakiillada, isaguna kama shaqeeyo Wasaarada Arrimaha Gudaha, sidaa darteed
qoraalka Xildhibaanku waxay aflagaado ku tahay karaamada mudanayaasha,
waxaanuna u sheegaynaa in aanu na xukumin Wasiirka Arrimaha Guduhu.”
Afhayeenku Shirka Jaraa’id ee uu qabtay, waxa uu ku sheegay in qoraalladan
uu ku lug leeyahay Wasiirka Arrimaha Guduhu, isagoo arrintaa ka hadlayayna
wuxuu yidhi; “Qoraalkan waxa ku jira arrin marag-fur u ah inuu wax ka soo
diyaariyay Wasiirka Daakhiligu. Tusaale ahaan, Xeer-hoosaadka golaha
deegaanka, annagu waanu dhammaynay diyaarintiisa, laakiin umaanu gudbin
Wasaarada Arrimaha Gudaha, balse cidda keliya ee ogi waa Wasiirka Arrimaha
Gudaha, markaa miyaanu wasiirku taa u sheegin Xildhibaanka waraaqda soo
qoray, ilayn isagu taa ma ogayne.”
Afhayeenkani, waxa uu Madaxda sare ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ku
eedeeyay in ay faro-gelin ku hayso golaha deegaanka iyo maamulka dawladda
hoose, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Wasaaradii Arrimaha
Gudaha ee hore u maamuli jirtay dawladda hoose, maanta waxa ka dhaadhici
kara la’ in ay ka madaxbannaan tahay oo gole deegaan la soo doortay,
laakiin ma ogolaanayno wax faro-gelin ah oo dawladda hoose debadda lagaga
soo sameeyo.”
Dhinaca kalena, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan oo aanu
xalay caweysinkii la xidhiidhnay, waxna ka weydiinay qoraallada lagu
eedaynayo inuu ku lug lahaa ama ka dambeeyay, waxa uu sheegay in aanu wax
shaqo ah ku lahayn, isaga oo yidhi, “Labadaa hay’adood (Wakiillada iyo
Xeer-ilaalinta), waa laba hay’adood oo madaxbanaan, iyagaana xaq u leh
cidii ay sharci-jebin ku qabsanayaan anigana ha ahaatee, markaa maxaa
aniga ii keenay qoraalladooda iyo arrimahooda, xageebaan ka soo geli karaa.”
Top
“Haddii Berbera Laygaga Adkaado Ii Dhadhami-Mayso” Madaxweyne Ku
Xigeenka oo ka hadlay Berbera.
|
Berbera (Haatuf): Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ahna
Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UDUB iyo weliba musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka
Xisbiga UDUB iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa saddexdii maalmood ee ina
dhaafay socdaal la xidhiidha ololaha doorashada ku gaalaa-bixinayay
degaamada gobolka Saaxil, iyadoo ay weftiga Madaxweyne Ku-xigeenku
Arbacadii dorraad ka bixitimay magaalada Hargeysa, wuxuuna weftiga
Madaxweyne Ku-xigeenku ku sii hakaday dhammaan tuullooyinka iyo
magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, meelahaas oo uu dadweynihii
deggenaa kula hadlay, isagoo ku guubaabiyay in ay codkooda siiyaan Xisbiga
UDUB ee uu ka sharaxan yahay.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, abaaro 12:30
duhurnimo ayay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisu soo gaadheen
magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaana halkaa si weyn ugu
soo dhaweeyay dadweynaha reer Berbera, iyadoo ay Madaxweyne Ku-xigeenka
iyo weftigiisa jidka ka soo daadihiyeen boqolaal gaadhi oo kuwa xamuulka
ee ururka Tawfiiq u badan, arrinta soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka si
weyn ayaa xarakaadkeeda looga dareemay magaalada Berbera.
Madaxweyne Ku-xigeenku, waxa uu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha
reer Berbera, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu kala hadlay halka ay
marayso siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, wuxuuna yidhi, “Dadka qaar
waxay ku af-gobaadsadaan in xidhiidhkii aynu la lahayn Itoobiya uu
xumaaday, taasna waxba kama jiraan.”
Laakiin Madaxweyne Ku-xigeenka oo ay weftigiisa ka mid ahaayeen Xubno ka
tirsan Jaaliyadda dalka Ingiriiska ee reer Somaliland, kana mid ah
taageerayaasha Xisbiga UDUB, kuwaasna isagoo Madaxweyne Ku-xigeenku ka
hadlayay wuxuu yidhi, “Waxa ila socda shan xubnood oo ka socda Jaaliyadda
dalka Ingiriiska, kana taageerayaasha Xisbiga UDUB, socdaalkooduna yahay
gurmad ay kaga qaybgalayaan tartanka doorashada.” Kadibna, nin la yidhaa
Muuse Gaa-gaale oo ka mid ah shantaa nin ayaa halkaa ka hadlay, waxaana
ereyadiisa ka mid ahaa, “Shalay markii aanu Dacarbudhuq soo gaadhnay,
ayaan hoos ahaan u waraystay dadka, waxaanan ku idhi ‘waaryadhaheen waxa
la yidhi magaalada waxa isku haysta gabadh iyo wiil ee keebaa dadku u
badan yahay’, waxay igu yidhaahdeen ‘waxa taageero badan inanta oo dadku
waa KULMIYE’, waxaan ku idhi, ‘waar heedhe, inantu diiqo ayay idinku
leedahay ee maad afar gaadhi oo raashin ah u rartaan, xilka qaranka
dhibaad ha u bixinina’e’.”
Waxa kale oo fagaarahaa ka hadlay Gudoomiyaha UDUB ee gobolka Saaxil,
Maxamed Faarax Qabiile oo sheegay in ay abaabul badan gobolka ka sameeyeen,
laakiin ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa munaasibadaa khudbad ku
soo gunaanaday, isaga oo ku tiraabay weedho badan oo aan ka tagganayn
ololaha doorashada, waxaana ka mid ahaa waxyaalaha uu ku bushaareeyay
Warshada Sibidhka Berbera oo uu sheegay in ay ku hawlan yihiin qorshe lagu
maalgeliyo, laakiin isagoo ka hadlaya ololaha tartanka doorashada, wuxuu
yidhi; “Musharaxiinta tartamaysa ha moodina in ay col yihiin ee kursigaa
la kala riixanayaa ee dadyahow kursi jacaylka nooga duceeya, aniguse
waxbaan xambaarsanahay oo waa Kitaabka Quraanka, waayo, nin aan diin
lahayni waa nin aan qiyam lahayn.”
Madaxweyne Ku-xigeenku, waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa degaamada
gobolka Saaxil, sidaa darteed isaga oo si gaar ah ula hadlaya reer Berbera,
wuxuu yidhi; “Haddii aanu foodka helno oo laakiin aniga Berbera laygaga
adkaado ii dhadhamimayso, markaa maalinta 14-ka bisha ee qof waliba
foodkiisa bixinayo sida aad maanta soo dhaweynta weyn noo tusteen,
codkiina siiya UDUB.”
Madaxweyne Ku-xigeenku iyo weftigiisu, Khamiistii shalay ayuu magaalada
Berbera uga kicitimay dhinaca xeebaha Bari, waxayna wararku sheegeen in
socdaalkoodaa ku simi doonnaan magaalooyinka Xeebaha Gobolka Sanaag, sida
Maydh, Xiis iyo meelo kale oo xeebta ah, iyadoo la sheegay inuu meelahaana
u sii dhaafi doono magaalada Ceeri-gaabo iyo magaalooyinka kale ee gobolka
Sanaag, isla markaana waxa lagu wadaa inuu hadhow ka soo wareego dhinaca
gobolka Togdheer oo uu soo maro ugu yaraan Sheekh iyo Burco.
Top
Boorama: Loollan Xiisad Iyo Isku-Dhac Keenay Oo Ka Dhex Oogan
Taageerayaasha KULMIYE Iyo UDUB. |
Lama kala dooranayo Daahir iyo C/raxmaan, laakiin…..”
Boorama (Haatuf): Dhaqdhaqaaqyo xamaasad leh oo la xidhiidha ololaha
doorashada, ayaa si xooggan uga aloosan gobolka Awdal, gaar ahaan
xaruntiisa Boorama, waxayna dhaqdhaqaaqyadaasi sababeen xiisad kulul oo
keentay in ay mararka qaarkood gacanta isula tagaan taageerayaasha
xisbiyadu, gaar ahaan kuwa UDUB iyo KULMIYE oo si ba’an ugu loolamaya
magaalada Boorama.
Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, ayaa warbixin nooga soo
diray inta ay qaro le’eg tahay xiisadda ka dhex aloosan xisbiga UDUB ee
dawladda iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, wuxuuna weriyuhu
warbixintiisa ku bilaabay, “Iyadoo ay ololaha doorashooyinku si xamaasad
leh uga socdaan gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, ayaa waxa soo
baxaya dareemo walaac leh oo looga cabsi qabo in ay saamayn ku yeeshaan
nabadgelyadda iyo xasiloonida magaalada, waxayna taasi ka dambaysay markii
ay si xoog leh isu soo tareen isku-dhacyo dhexmaray kooxaha dhallinyarada
u badan ee kala taageersan xisbiyada loolamaya, gaar ahaan UDUB iyo
KULMIYE.
Dhaqdhaqaaqyadaa waxa ugu dambeeyay Xisbiga UDUB oo shalay dadweynaha reer
Boorama kala hadlay fagaaraha Kheyriyadda, taas oo ay raggii halkaa ka
hadlay ku tiraabeen erayo laga dhadhaminayo loolanka adag ee ka dhexeeya
xisbiyada UDUB iyo KULMIYE.
“Dadku waxay moodayaan in la kala dooranayo Daahir iyo C/raxmaan, laakiin
la kala dooranmaayo ee waxa la kala dooranayaa Daahir, Siilaanyo iyo
Faysal Cali Waraabe, taasina sharafbay inoo tahay.” Sidaa waxa yidhi,
Xoghayaha Xisbiga UDUB ee gobolka Awdal, Maxamed Xasan Ardaale.
Waxa kale oo fagaarahaa ka hadlay Ninka Xisbiga UDUB u qaabilsan dhinaca
Abaabulka, Maxamed C/laahi, waxaana erayadiisa ka mid ahaa; “Haddii aynu
nahay reer Boorama, ma waxaynu nidhaahnaa Madaxweyne ma geyno ee waxaynu
geynaa Madaxweyne Ku-xigeen.”
Mudane Aare oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana mid ahaa raggii ASAD ee
UDUB ku biiray, ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna yidhi; “Maanta waa ii
kow UDUB oo aan u hadlo, markaa haddaan qaldamo ma aha wax aan u kasay ee
ogaada. Anigu waxaan ka imi Hargeysa iyo Bari, waxaanay dadku raaceen UDUB
ee maxaa idinka idiin diiday.”
Xafladdaasi markii ay dhammaatay, kadib ayay kooxo dhallinyaro ah oo ka
mid ah taageerayaasha Xisbiga UDUB tageen xarunta Xisbiga KULMIYE ee
magaalada Boorama, iyagoo ku dhawaaqaya hadalo ka dhan ah KULMIYE, laakiin
waxa ka horyimid kooxo kale oo taageersan KULMIYE, taasina waxay keentay
in gacanta la isula tago, kadibna waxa halkaa ku dhaawacmay ugu yaraan
dhawr qof. Hase yeeshee, dhacdadan iska horimaadka ah ee shalay dhexmartay
taageerayaasha KULMIYE iyo UDUB, ma aha mid shalay bilaabmatay ee ugu
yaraan afartii cisho ee u dambeeyay, waxa magaalada Boorama ka aloosnaa
xamaasad xoog leh oo ay si joogto ah isugu dhacayaan taageerayaasha
labadan Xisbi. Taasina waxay keentay walaac dhinaca nabadgelyadda ah.
Sidaa awgeed, habeen hore ayaa gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka
Awdal, Axmed Muxumed, Xukuumadda iyo UDUB gaadhsiiyay dacwad ku saabsan
rabshadaha dhacaya, isaga oo sheegay in haddii la joojin waayo rabshadaha
iyo iska horimaadka oo uu ku tilmaamay in ay ka dambeeyaan qollada UDUB,
ay taasi keeni doonto natiijo aan lagu farxi doonin.
Hadalkan ka soo yeedhay Gudoomiyaha KULMIYE ee gobolka Awdal, waxa kale oo
lagu sheegay in gelinkii dambe ee shalay la shiiday guriga Musharaxa
Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE, C/raxmaan Aw Cali Faarax, isla
markaana la fujiyay calamo xisbiga KULMIYE leeyahay oo sudhnaa guryaha
dadweynaha qaarkood.
Sidoo kale, waxa dhacday garabka Haweenka ee KULMIYE oo ay hogaaminayaan
Gudoomiyahooda, Ikraan Xaaji Daa’uud iyo Jamiila Xaaji Cige oo hadal u
jeedinaya taageerayaashooda mar ay xafiis xisbigoodu leeyahay ka furayeen
xaafad ka mid ah magaalada Boorama ay kooxo makarafoono iyo baabuur wataa
oo ka mid ah taageerayaasha UDUB buuq ku fureen, taasina ay keeni gaadhay
isku dhac, kadibna dirqi lagu kala dareeriyay.
Top
Xisbiga UCID Oo Dardar Geliyay Ololihiisa Doorashada
|
Hargeysa (Haatuf): Xisbiga UCID ayaa maalintii shalay
sagaal xafiis oo cusub ka furtay degmooyinka Koodbuur, Axmed Dhagax iyo
xaafada maxamed mooge oo ka tirsan Hargeysa.
Munaasibadihii furitaanka xafiisyadan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad
u tiro badani waxa khudbado ka jeediyay madax sare oo ka tirsan xisbiga
UCID oo uu horkacayo musharaxa madaxtinimada ee xisbigaasi Faysal Cali
Waraabe oo ka warramay, barnaamuj siyaasadeedka xisbigiisa ee
madaxtinimada.
Furitaanka xafiisyadani oo ku soo beegmay iyadoo xisbiga UCID uu
dardargeliyay ololihiisa dhinaca doorashada, maadaama ay maalinba maalinta
ka dambaysa soo dhawaanayso maalinta la qorsheeyay inay dhacdo doorashada
madaxtinimada oo ku beegan bishan 14keeda khudbadahan ka jeediyay Faysal
Cali Waraabe waxa uu kaga waramay qiimaha ay doorashadani u leedahay dalka
iyo dadkaba oo uu ku tilmaamay inay xaq u helayaan inay kala doortaan
axsaabta ayna codkooda siiyaan kii ay u arkaan inay dantooda ku aamini
karaan.
Furitaanka xafiisyadan waxa soo abaabulay ururo dhallinyaro iyo qaybaha
bulshada ah, kuwaasoo muujiyay taageerada weyn ee ay hayaan xisbiga
cadaaladda iyo daryeelka.
Waxaa kale, oo munaasibadahaa ka hadlay madax iyo mas’uuliyiin kale oo ka
tirsan xisbiga, gaar ahaana Guddiga fulinta. Dhammaanba goobahaa kala
duwan waxa ay dadka deggani ku ballan-qaadeen inay si buuxda u
taageerayaan xisbiga UCID.
Top
Dawladda Ciraaq Oo Beenisay In Ciidamada
Maraykanku Ku Soo Dhawaadeen Madaarka Baqdaad. Muftiga Islaamka ee
Dalka Ruushka Oo Ku Baaqay in Jihaad Lagaga Hortago Maraykanka
|
Baqdaad (W. Wararka) - Af-hayeen u hadlay ciidamada
xulafada ee Maraykanka iyo Ingiriiska inay kusii dhawaanayaan madaarka
magaalada Baqdaad maalintii shalay, iyagoo dagaal ba’an ugu jira sidii ay
u qabsan lahaayeen madaarka una geli lahaayeen magaalada oo dhan.
Af-hayeenku waxa uu intaa ku daray in ciidamadu ay haatan gaadheen daafaha
Baqdaad gaar ahaana agagaarka madaarka dagaalka weyna ay bilaabi doonaan
marka ay doonaan.
Madaakra caalamiga ah ee Sadaam waxa uu u jiraa caasimadda Ciraaq 20 km
dhinaca koonfur galbeed, waxaanay wakaaladaha wararku kasoo weriyeen
ciidamada Maraykanka inay haatan kusii jeedaan mandiqaddaasi iyagoo ku
gaashaaman noocyada kala duwan ee hubka, isla markaana uu qorshahoodu
yahay sidii ay u geli lahaayeen wadada weyn ee badhtamaha magaaladaasi.
Balse waxa taa beeniyay oo Gaashaanka ku Dhuftay Dawladda Ciraaq oo
sheegtay inaanay waxba ka jirin sheegashada xulafada. Waxaanay wararku
intaa ku dareen in ciidamada gaarka ah ee Xaarisu-Aljamhuuri ay wadaan
dhaq-dhaqaaq ballaadhan oo ay kaga hortegayaan ciidamada soo duulay ee
kusoo siqaya magaaladaasi. Wasiirka warfaafinta ee Ciraaq Maxamed Saciid
Al-Saxaaf oo ka hadlayay shir-jaraa’id maalintii shalay ayaa isaguna
beeniyay in wax ciidamo Maraykan ahi ay kusoo dhowaanayaan Baqdaad, ayna
inyar u jiraan madaarka Sadaam, taasoo uu ku tilmaamay dacaayado raqiis
ah.
Sida ay sheegeen warfidiyeeno ku sugan Baqdaad kumanaan noocyada hubka ee
kala duwan ee Maraykanka ayaa ka tallaabay biriijka webiga Furaat oo 25 km
u jira Baqdaad, kadib markii ay halkaa ka dhaceen dagaalo la isku hoobtay,
waxaana madaafiic sida roobka lagaga dhigay fadhiisimada ciidamada Ciraaq
ee ku hareeraysan magaalada, taas oo suurtogal ka dhigaysa inay ciidamada
xulafadu kusii dhowaadaan Baqdaad. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya
khasaaraha ilaa iyo haatan ay keeneen dagaaladii u dambeeyay, iyadoo aan
war sugan laga hayn xaqiiqada dhabta ah ee halkaa ka jirta.
Sida ay sheegeen dad goob-joog ahi, difaaca Ciraaqiyiintu waa uu ka adag
yahay sidii la filayay, iyadoo ay ciidamada xulafada u suurtogeli la’dahay
in ay gudaha u galaan Baqdaad si fududna u qabsadaan. Wasiirka
gaashaan-dhiga ee Ingiriiska Jeff Horn, oo maalintii shalay ka hadlay
Baarlamaanka dalkaas ayaa dagaalka ka socda Ciraaq ku tilmaamay mid adag,
isagoo sheegay in maalmaha soo socdaa ay yihiin qaar aad u adag, isla
markaana aanay si fudud xulafada ugu suurtogalayn inay ku qabsadaan
caasimadda Ciraaq.
Dhinaca kale, Dawladda Suuriya ayaa ku tilmaantay weerarka xulafada ee
dalka Ciraaq mid argagixiso ah oo ka baxsan qawaaniinta caalamiga ah,
iyadoo ka digtay in cawaaqib xumi ay ka dhalan doonto .
Muftiga dalka Ruushka oo ku baaqay jihaad lagaga horjeedo Maraykanka
Muftiga dhinaca diinta islaamka ee dalka Ruushka, Taaju Diin ayaa
maalintii shalay ku baaqay in la qaado jihaad weyn oo lagaga horjeedo
Maraykanka, taasoo uu sabab uga dhigay weerarka uu ka wado dalka Ciraaq.
Muftigan oo ah ka ugu sarreeya culimada dalkaas waxa ay wakaalada wararka
ee Ruushku Inter Fax kasoo werisay inuu yidhi; “Muslimiinta Ruushku waxa
ay haystaan arrimo u suurtogelinaya inay cadaadis saaraan Maraykanka,
waxaanu samayn doonaa sanduuq gaar ah oo lagu ururiyo kaalmooyinka loogu
talogalay dalka Ciraaq, waxaananu iibsan doonaa hub lagaga hortago
Maraykanka.” Isagoo intaa ku daray in jihaad si dhab ah loogu dhawaaqi
doono maalmaha soo socda, taasoo aanu wax tafaasiil ah ku darin.
Waa markii labaad ee ay muslimiinta Ruushku ku baaqaan Jihaad mudadii ay
jirtay Dawladda Ruushku oo ah laba qarni, iyadoo ta hore ahayd sannadkii
1941-kii, markii ay kusoo dalkaa Jarmalku, iyo haatan oo uu socdo dagaalka
Ciraaq. Balse waxa la sheegay in muslimiinta Ruushku ay dhinaca Siyaasadda
ku kala qaybsan yihiin, iyadoo qaybi ay raacsan tahay Taaju Diin, oo lagu
tilmaamo inay ku adag yihiin xagga diinta iyo qaar uu hoggaamiyo
guddoomiyaha golaha Diiniga ah Rafiil Janatu Diin.
Amnesty oo dalbatay in baadhitaan laga furo xasuuqa rayidka ee ka socda
Ciraaq.
Hay’ada Xuquuqal insaanka ee Amnesty International ayaa ka dalbatay
Dawladda Maraykanka in baadhitaan rasmi ah lagu sameeyo xasuuqa la sheegay
in ciidamada Maraykanku ay ka geysteen dalka Ciraaq, gaar ahaana magaalada
Nejif oo la sheegay in ciidamada Maraykanku ay si ula-kac ah rasaas ooda
ugaga qaadeen dad rayid ah, taasoo u jirta caasimadda Baqdaad 150km
dhinaca koonfureed.
Sida ay ku sheegtay hay’addu bayaan ay soo saartay shalay waxa waajib ah
in maxkamad la horkeeno cid kastoo ay ku caddaato inay xasuuq rayidka ah
ka geysteen Ciraaq, iyadoo intaa ku dartay in boro-bagaandho badan oo uu
Maraykanku kaga been-abuurayo xaaladda xaqiiqada ah ee ka jirta gudaha
dalka Ciraaq.
Top
Dawladda Itoobiya Oo Diiday Qaraarka Gudida
Calaamadinta Xuduudda |
Addis Ababa (W.Wararka) - Dawladda Itoobiya ayaa
Gaashaanka ku dhufatay maalintii shalay xukunkii kasoo baxay Guddiga
calaamadinta xuduuda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea oo degmada Baadhame
siisay Dawladda Eritrea.
Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta ee Itoobiya, Xukunka kasoo baxay
guddigaasi waa mid aan la aqbali karin, iyadoo intaa ku dartay in
xukuumadda iyo shacbiga Itoobiya ay ka werwersan yihiin sida ay guddigaasi
ugu fashilantay arrintii loo xilsaaray.
Guddigan oo ah mid madax-bannaan oo ka socota qaramada Midoobay, go’aan ay
soo saareen waxa ay ku sheegeen in degmadaasi ay raacsan tahay Eritrea.
Waxaanay Dawladda Itoobiya sheegtay inaanay arrintaasi wax caddayn ah u
haynin Q. Midoobay, balse Dawladda Eritrea ayaa iyadu go’aankan taageertay.
Labada dal oo dagaal dhexmaray 1998, ilaa 2000 waxa guddigan magacawday Q.
Midoobay si loo soo af-jaro muranka xuduuda oo dagaalka keenay, balse
calaamadintan cusub ee ay sameeyeen waxa ku gacan saydhay Itoobiya taasoo
laga yaabo inay sii murgiso xaaladda awalba qasnayd ee ka taagan
degaankaas.
Top
Hogaamiyayaashii Dhowaan Ku Soo Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay
Kheyriyadda Burco. |
Burco (Haatuf): Waxa maalintii shalay fagaaraha Khayriyada
ee magaalada Burco kala hadlay dadweynaha mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan
xisbiga KULMIYE, oo ay ka mid yihiin Cabdi Aw Daahir oo hore u ahaa
xoghayaha guud ee UDUB, Bashiir Cabdi Xariir oo hore u ahaa maayorka
Oodweyne iyo Maxamed Cumar Nuur oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka macdanta
iyo biyaha oo dhammaantood ka tirsanaa xisbiga UDUB, balse kusoo biiray
dhowaan xisbiga KULMIYE. Waxa kaloo halkaa ka hadlay Siciid Cilmi Rooble,
oo ah mudane ka tirsan Wakiilada Somaliland iyo mujaahid Maxamed Axmed
Kaahin, kuwaasoo ah wefti sare oo ka tirsan KULMIYE, balse haatan ololaha
doorashada u tegay magaalada Burco.
Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay sida uu kusoo waramay Axmed Aadan Yuusuf
oo ka tirsan Haatuf, Maxamed Cumar Nuur oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen;
“Xisbiga KULMIYE magaciisa ayaa kugu filan, macnaha laga fahamsan yahayna
ma aha oo ururiye, berigii hore axsaabta waxa loo furan jiray in wax lagu
doorto, marka la doortana lala tago Xamar, balse axsaabta maantu way ka
duwan tahay kuwii berigaa. Xisbiga KULMIYE-na waxa loo aas-aasay inuu la
jaan-qaado siyaasada dalka, waxaana ku dhan mujaahidiintii dalkan u soo
halgantay oo ay musharixiin ka yihiin C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed
Siilaanyo. Waa rag inaga saari kara halka dalku ku jiro,” ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in xukuumadda haatan dalka ka
talisaa ay ka baaqsatay inay dalka ka saarto duruufta uu ku jiro, waxaanu
yidhi; “Waad aragtaanoo xukuumadda dalka ka talisaa way dhawr iyo toban
jirsatay, haddana waad aragteen Burco sida ay tahay, bari wixii kasii
xigaana ka daran, caasimaddii dalka haraad ayaa loogu bakhtiyay, waxa
keliya ee ay ku faantaa waa nabadgelyada, balse waxa keenay shacabka iyo
Ilaahay, mahadi ha ka gaadhee.”
Kadib waxa uu ka hadlay KULMIYE, isagoo yidhi intaanan soo gelin xisbiga
KULMIYE waxa ka mid ahaa dacaayadihii laga faafiyay KULMIYE; ‘Isaaqnimo
ayuu wax ku doonayaa, iyo durbaankii halganka ayuu garaacayaa,’
isaaqnimadu maaha siyaasad ee waa hayb, nin walibana hayb ayuu leeyahay,
halgankuse miyaanu jirin, SNM-na maaha wax dadka lagu boobo oo wax lagu
xumeeyo, balse SNM iyadaa dalka xoraysay, iyadoo xor ahna Xukunka dhiibtay,”
ayuu yidhi.
Kadib, waxaa isaguna halkaa ka hadlay mudane Siciid Cilmi Rooble,
hadalladiisiina waxaa ka mid ahaa; “Ujeedadaydu maaha inaan xisbi galo
midna ka baxo iyo inaan is jeclaysiiyo Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo
ee waa xaaladda maanta dalku ku jiro, taasoo ah badbaado qaran, waana
taanu Madaxweynaha isku af-garan weynay,” ayuu yidhi mudane Siciid.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Cabdi Aw Daahir oo sacab iyo sawaxan xoog
leh lagu soo dhoweeyay, isagoo qoslaaya ayaanu yidhi; “In badan ayaan
halkan ka odhan jiray UDUB ha guulaysto, laakiin marka hore waxaan
doonayaa inaan isaga kiin waramo, anigu waxaan ahay xoghayihii guud ee
UDUB, waxaanan ahaa afartii xubnood ee aas-aastay UDUB, waxaananu kala
ahayn Alle haw naxariistee madaxweynihii geeriyooday, Axmed Yuusuf Ducaale,
Maxamed Siciid Gees iyo aniga, balse waxa maanta UDUB ku hadhay Gees oo
keliya. Aniga iyo Axmed Yuusuf waxaanu nahay KULMIYE, waxaanan UDUB ka
baxay markaan arkay mawqifkii aanu wada qaadanay iyo ka Daahir Rayaale,
gaar ahaana markaan arkay xaalada Itoobiya halkay marayso, xaaladda Sool
iyo gobollada Bari iyo siyaasadeena Jabuuti, markaan arrimahaa wax badan
isku geeyay anigoo aan cidna dhaliilayn ayaan gartay inaan Daahir Rayaale
aanu dalka ka saari karin marxaladdan,” ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.
Kadib waxa uu ka hadlay KULMIYE iyo sida uu ugu soo biiray; “Markaan arkay
xisbiga KULMIYE iyo hoggaamiyeyaashiisu inay dalka ka saari karana
marxaladda uu ku jiro ayaan KULMIYE ku biiray, inkastoo aanaan Faysal wada
shaqayn laakiin Daahir Rayaale iyo Siilaanyo waanu wada shaqaynay, labada
ninba waa laba nin oo wanaagsan laakiin marka la eego aayaha dalka waa
Siilaanyo,” ayuu yidhi.
Kadib waxaa mikrafoonka la wareegay mujaahid Maxamed Kaahin oo sheegay
inuu hadalka ku raacsan yahay inta ay yidhaahdeen raggii ka horreeyay,
waxaanu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha KULMIYE ay yihiin raggii dalka
xoreeyay, isla markaana ay baal dahab ah kaga jiraan taariikhda, sidaa
darteedna ay mudan yihiin in la doorto.
Top
Odayaal reer Hargeysa Ah Oo la Xidhxidhay Lana Siidaayay Xalay Fiidkii. |
Hargeysa (Haatuf): Saddex Oday oo ka mid ah Odayaasha
Deegaanka Waqooyiga Hargeysa, ayaa Xalay Fiidkii la sii daayay, kadib
markii shalay subaxnimadii la xidhxidhay.
Saddexdaa oday waxay kala yihiin; Chief Caaqil; Cabdi Xaashi, Ismaaciil
Axmed Sh. Cabdi iyo Axmed Cali Xays, waxaana la rumaysan yahay inuu
xadhigoodu la xidhiidhay khilaaf dhinaca dhulka ah oo muddooyinkan dambe
ka taagnaa Degaamada xeebta waqooyin ee gobolka Hargeysa, sida;
Ceel-Sheekh, Ceel-la-helay iyo Bildhaalay, kuwaas oo Maamul ahaan la
sheegay in la hoos geeyay Gobolka Awdal, halka ay xilliyadii hore ka
tirsanaan jireen Gobolka Hargeysa.
Sida la tuhunsan yahay xadhigga odayaashan, waxa laga soo amray dhinaca
Wasaarada Arrimaha Gudaha, hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha,
Ismaaciil Aadan Cismaan oo aanu xalay caweysinkii la xidhiidhnay, ayaanu
wax ka weydiinay xadhigga odayaashaa, wuxuuna sheegay in aanu isagu
xadhigooda amrin, balse wuxuu intaa ku daray in ay Boolisku u xidheen
sababo nabadgelyo awgeed, isla markaana Wasiirku wxuu xaqiijiyay in la soo
daayay.
Top
Haweenka Somaliland Ah Oo Ka Hadlay Kaalintooda Siyaasadda. |
Hargeysa (Haatuf) Guddiga ololaha Siyaasadda ee gaboodka
negaad ayaa shalay kulan balaadhan oo ay ku qabteen hoteelka mingsing ee
magaalada Hargeysa kaga hadlay doorka haweenka somaliland Siyaasadda iyo
sidii ay haweenka kala taageersan xisbiyaddu uga wada shaqayn lahaayeen
danaha guud ee haweenka.
Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen haween ka kala socday ururada haweenka
ee hoos yimaada gaboodka negaad, haween ka socday xisbiyada mucaaridka ee
KULMIYE iyo UCID iyo shugri Xaaji Boondaro oo ah haweenayda kaliya ee ku
jirta Guddiga doorashooyinka. Arrimihii kulankaa lagaga hadlay waxa ka mid
ahaa sidii ay haweenku kaalintooda uga qaadan lahaayeen nabadgelyada iyo
inaanay taa waxba u dhimin xisbiyadda ay kala taageersan yihiin.
Waxa kale oo ay kaga doodeen sida ay xisbiyadda ugu ololaynayaan, iyo
sidii aanay golayaasha deegaanka ugu soo bixin wax ka badan laba haween
ah, iyaga oo taa ka duulaya waxay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin
inay saamigooda ka helaan kuraasta mudanayaasha Baarlamaanka marka la
gaadho doorashada xubnaha golaha Baarlamaanka, waxa kale oo ay aad u
muujiyeen sida ay xaaraanta u tahay in codka la bixiyo wax ka badan hal
mar, iyo in la isticmaalo xine iyo waxyaabaha qarinaya calaamada
doorashada.
Haweenkii halkaa ka hadlay waxa ka mid ah Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah
Guddiga Siyaasadda ee gaboodka negaad, Aamina Weris oo u hadashay haweenka
xisbiga KULMIYE, Ismahaan cabdi Saleebaan oo ah gudoomiyaha gaboodka
Negaad, Marwaan Farxaan oo ka socotay xisbiga UCID kuwaas oo dhamaantood
ka waramay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin doorashada. Iyo sida loogu
baahan yahay inay kaalintooda uga qaataan. Waxaanay sheegeen haweenku in
xisbiga UDUB oo ay dad ka casuumeen aanay cidi uga iman.
Top
Qormada cinwaankeedu ahaa (Waa tuma Dawladda Habooni) waxa
jirey khalad ku jirey qodobka ka hadlayey dugsiyada sare ee magaalo
madaxyada Dalka oo ay qornayd in loo baahanyahay 52 Fasal oo cusub oo lagu
daro dugsiyada sare , balse waxay sax ku tahay 25 fasal.
Top
Sooyaalka Taariikheed ee Ciraaq Waxaa Qoray Siciid Ismaacil Guraase,
Q: 2aad |
Mandiqada u dhaxaysa labada webi ee Furaat iyo Dejla oo
loo yaqaanay Mesopotamia waxay soo martey xadaaraddo iyo ilbaxnimooyin
kala duwan oo ay hirgeliyeen dadka deegaankaa ku nooli, waxaanay ka mid
tahay xadaaraddaha ugu caansan ee ugu horeeya xadaaradihii soo marey
caalamka, taasoo marka taariikh ahaan dib loogu noqdo ku beegnayd 3700
sanadood ka hor dhalashadii nebi ciise C.S. Xadaaradaana waxa hirgeliyey
dadka loo yaqaanay Soomariyiinta oo carab asal aahaan ka soo jeeda.
Dalka ciraaq carabta degani waxay asal ahaan ka soo jeedaan qabaa’il carab
ah oo jasiiradda carabta ka hayaamay lix kun oo sanadood ka hor
dhalashadii nebi Ciise.
Xadaaradda soomariyiintu waxa ay jirtey 3700-2350-kii C.H, xadaaraddaa oo
ay hirgeliyeen dadka deegaanka degani waxa ay soomariyiintu hirgeliyeen
xiliga farta ama qoraalka loo yaqaan Mismaariya oo ka mid ah qoraaladii
ugu horeeyey caalamka.
Carabta dhulkaa degani waxa ay dhinacooda kaga qayb qaateen farshaxanka,
beeraha, farsamada gacanta, samaynta dawooyinka iyo baayacmushtarka gudaha
iyo dibadaba. Waxaanay aasaaseen dhawr magaalo oo aad u camirmay.
Ilbaxnimadaasi waxa ay saamayn ku yeelatay dadkii ku noolaa dalalka Iiraan,
Masar iyo deegaanada ku xeeran dalka ciraaq. Soomariyiinta carbeed waxay
dagaalo badan la galeen dadka loo yaqaanay ciilaamiyiinta oo ay ka
adkaadeen iyadoo dawladii halkaa ka dhisnayd uu sii adkaaday awoodeedu
ilaa ay dhulkaa qabsadeen Dawladii loo yaqaanay akdiya sanadkii 2350
CH.Dawladaasoo ay aasaaseen dadka loo yaqaanay Akaadiyiinta, waxay
awoodeedii ku faafisay deegaano badan ilaa ay burburtey sanadkii 2200 C.H.
Intii u dhaxaysay sanadihii 2133-2003 waxa dib u soo noolaatay dawladdii
Soomariyiinta oo ay iskaashadeen Akaadiyiinta, balse iyaduna waxay
burburtey 2003 C.H, markaas oo ay xukunka qabsadeen dadka loo yaqaanay
Ciilaamiyiin oo deegaan ahaan ka soo jeeda dalka Iiraan. Intii u dhaxaysay
sanadihii 1894-1594 C.H. waxa dhulkaa ka talinaysay dawlad loo yaqaanay
baabiliyiin. Balse waxa ay dhacday Dawladaasi sanadkii 1594-kii markii ay
xukunka ka qaadeen dadka loo yaqaanay Akaashiyiinta oo iyagana xukunka
laga qaaday 1153, markaas oo ay dhalatay dawladda loo yaqaanay Aashuuriya,
oo xukunka haysay ilaa 612 C.H.
Sanadihii 625-539 waxa xukunka ku soo noqday baabiliyiinta taasoo loo
yaqaanay Kilidaaniya.
539-321 C.H waxa dhulkaa ku soo duulay Faarisiyiinta oo qabsaday kana
dhisay dawladda 321-141 C.H waxa dhalatay dawlad loo yaqaanay Saluuqiyuun.
141-kii C.H waxa xukunka la wareegay dadka loo yaqaano Persian-ka oo imika
loo yaqaan Iiraan taasoo xukunka haysay ilaa 224 C.H.
224-337 C.D waxa xukunka haystay Saasaaniyuun oo asal ahaan ahayd
Faarisiyiin.
Sanadkii 602 ayey Faarisiyiintu Ciraaq u magacaabeen maamule Faarisi ah
taasoo xukunka haysay ilaa ay qabseen muslimiintu sanadkii 637-kii oo ku
beegnayd sanadkii 14aad ee Hijradii nebiga CSW markii faarisiyiinta lagu
jabiyey dagaalkii caanka ahaa ee ka dhacay goobta Qaadiisiya, iyadoo uu
muslimiinta hogaaminayey asaxaabigii Sacad Binu Abii Waqaas.
Markaa waxa bilaabmay Cahdi cusub oo ah xukunkii muslimiinta iyo
Faafitaankii Islaamka.
Qormooyinka soo socda ayaynu ku ogaan doonaa sidaa ay xaalada ciraaq
noqotay kadib markii ay muslimiintu qabsadeen
La Soco...
Top
Biixi gabadhii xayaad juuqa way u soo odhan weyday isla
markaana ay ka maqnayd muddo todobaado ka badan oo xaajo kasta si kasta oo
ay balaadhan tahay lagu dhamayn macadalla waa dhawrka erey ee ay hooyadeed
“Odhanayaan, ilayn waa tii tidhi “Hooyaday iyo ciddii kale ee aan talo
mood ayaan la soo tashanayaa” sidaa awgeed wiilkii Biixi waxa galay shaki
badan, naftiisuna su’aalo badan ayey isweydiisay, waxay ula ekaatey inay
Xayaad xaajadiisii dhinac isaga tuurtey oo aanay qawlkiisii iyo wixii ay
ku kala tageen waxba ka soo qaadin taasna inkasta oo uu Biixi nafta ayaamo
yididiilo ku maaweeliyey haddana markale ayey naftiisu hamshi iyo walaac
ku cawaysay, laakiin markale ayuu nafta dib u canaantey, wuxuuna isu
abaabuley sidii uu arrinta markale uga hawl-geli lahaa, isaga oo xaajadda
marba dhinac ka eegaya oo marba ay naftiisu horkeenaya.
Biixi maalin maalmaha ka mid ah wuxuu fadhiyey kaabadda hore ee
dukaankiisa, isaga oo waxoogaa lacag ah qaab xisaab badaways ah isugu
geegeeyey, dhinaca kalena hammiga jacaylku naftiisa lulayo, xiliga waxa uu
ahaa goor casar gaab ah, Biixi waxa dukaankiisa dhinaciisa kaga soo
dhacaysay laydh goos goos ah, iyadoo aanay cimiladu lahayn kulayl laga
cawdo iyo qabaw nafta damqayaana aanu jirin, laakiin Biixi isaga oo weli
kaabadii dukaankiisa fadhiya, balse ay cad-ceedii dhacday, dukaankana uu
wiil yar oo gacan yare u ahi iibinayo ayuun buu Biixi sheeda ka halacsaday
gabadh joogeedu dheeryahay dhar qurux leh lebisan oo hadaafaysa meel
cabaar u jirta, xiligu markuu ahaa goor fiid cawl ah oo makhribkii
dabadiis ah, laakiin dhinaca kalena waxa bari ka soo booday dayax shan iyo
tobnaad ah oo ay hilaadiisu qiyaas nin joogiis ah dhulka sare uga kacay.
Sidoo kale waxa habeenkaa dhinaca gubanka ama xeebta ka curtey roob is-balaadhiyey
oo dhoolka daruureed sare u fidey, iyadoo dhinaca kalena dayaanka onkodka
iyo kaaha hilaacu cirka isku shareereen, waxaana arladda saaqay saxansaxo
udgoon iyo neeflow qabaw.
Gabadha uu Biixi sheeda ka arkay waa Xayaad way iska qarinaysaa oo waxay
leedahay “Allaw yaan arkin”.
Dabadeedna Xayaad iyadoo Biixi ka gabanaysa ayey istaanka dukaanka Biixi u
dhaw oo basaska laga raaco istaagtay si ay bas uga raacdo, laakiin Biixi
markii uu hubsaday inay Xayaad tahay ayuu xageedii u soo talaabsaday isaga
oo aad u dheeraynaya, wuuna soo gaadhay iyadoo weli taagan, wuxuuna ku
yidhi “haye gacaliso, ma caafimaad qabtaa”, laakiin Xayaad si jilicsan oo
aanay far-xad iyo qadarini ku dheehantahay ayey ugu jawaabtey “Waa nabad”
wayna iska aamustey, laakiin Biixi ileyn waa nin ay meeli u caddahay waxba
ka dhaadin dareenka Xayaad ee hadalkiisii ayuu iska sii watay, wuxuuna
yidhi “Gacaliso, Xageed ka dhacday waan goobaye maxaad iigu soo war-celin
wayday, ee aad iiga aamustey, miyaanu hadalkaygii qalbigaaga ku duxin, ta
kale soonigii ballan isku ogayn ee aad tidhi iga war sug maxaa dhacay bal
ii waran, maxaa dhacay!!?”
Hase yeeshee Xayaad intey wejiga kab ka dhigtey oo sanka iyo indhaha si
ba’an ugu huruuftey ayey sidii ilmo caruur ah oo gurigoodii ka soo ambaday
u tilmaantay dukaankiisii, waxayna si quudhsi leh ugu tidhi “Waar kaagan
yari hadal aan kaa soconayn isku xiijine orod oo dabakaayadaada iska
jiibso”. Dabadeedna intay ka mishiiqsatay ayey indhaha ka lalisay, isla
markaana isaga oo Biixi waxa hadal ah u celin ayuu baskii isa soo taagay,
wayna ku booday.
Biixi saacad in ka badan ayuu halkii taagnaa, wuxuuna ku dheygagay
dhinicii uu uga dhaqaaqay baskii ay Xayaad raacdey, isaga oo aan ogayn
ayuunbaa iska arkay isaga oo caweysin dambe meeshii taagan oo ay wiilasha
yar yar ee kirish-bayada basasku marba ku leeyihiin “ma socotaa” ka dibna
marka uu juuq u odhan waayo ayey basasku iskaga dhaqaaqaan.
La soco...
Top
Waxa jira erayo ama weedho loo isticmaalo garaha dhaqanka
iyo xeerarka garaha qaadistooda loo cuskadaba, waxaana ka mid ah:-
i) Gar waa mawduuc laba dhinac ama laba qof oo is-haya (is-qabtay) lagu
kala saaro.
ii) Garnaqsi waa doodda dhexmarta labada dhinac ama qof ee is-haya marka
loo garnaqayo.
iii) Qadaf= Meel ka dhac
iv) Qabano= hanti
v) Qoomaal= Qoon ama qudh-gooyo
vi) ereyada qadaf iyo qabano waa dhaqan (adduun), qoomaal-na waa arrin
dhiig la xidhiidha dhaawac iyo dhimasho midka ay doonto ha noqotee.
vii) Muduci:- waa ninka wax tirsanaya, ninkaasina marla la eego waxa la
isku haysto wax u cadaada oo gari siisi mooyee wax la isku haysto marka
hore waxba kuma laha, isla markaana marka garta la furo wax kasta isaga (muduciga
ayaa bilowgeeda leh, haddii ay hadal tahay, haddii ay muddo qabsi tahay
iyo haddii ay markaahti qaadis tahayba.
viii) Mudaacale:- Waa ninka wax loo sheeganayo ee is difaacaya, sidaa
darteed-na sida uu xeerka dhaqanku dhigayo marka hore wax ku cadaado oo
gari ka qaaddo mooyee waxba laguma laha, laakiin waxa mar walba jid loogu
leeyahay inuu gar-yigil (gar-qaadasho) noqdo.
ix) Garley:- Garley haddii aad maqasho waa ninka wax loo sheegto ama loo
qabsado, laakiin yidhaahda “Anigu garawshiiyo idiin-ma hayo ee wax igu soo
caddaysta”.
x) Garawsiin:- Haddii aad maqasho garawsiin waxa weeye ninka marka wax loo
qabsado yidhaahda “Waxaa lay haysto waan geystay ee xukuma”.
xi) Cinbasho:- Ereyga cinbasho haddii aad maqasho waxa uu la minco yahay
baaqasho, taas oo marka ay gar la qaadi lahaa ama la gudo geli lahaa sabab
ama arrin garta khusaysa u baaqato la yidhaahdo “Gartii waxaas iyo waxas
ayey u cinbatay”, iyadoo ay waxa gartu u baaqatayna ay yihiin wax aan
la’aanteed gartu dhamaanayn.
a. Millad:- Dhaar
b. Markhaati= marag
c. Qiraale= qirasho (wax aan la dafirin).
xii) Waa gacan:- ereyga ah (waa gacan) waxa loo isticmaalaa garaha,
waxayna dhacdaa marka uu nin golaha garta ka hadlayaa uu wax kuu qiro ama
kugu gefo, taas oo aad odhanayso “Waa gacan”, macnaheeduna yahay “waa wax
ii soo kordhay”.
xiii) IGMad:- waa marka dhinac ama qof garamayaa uu yidhaahdo “hebel baa
aniga ii hadlaya, taas-na waxa uu macnaheedu noqonayaa qof aad u dooratay
inuu kuu hadlo (af-hayeen). Laakiin la igmaduhu waa inuu laba wax iska
duwaa, labadaas shayna waxay yihiin: xigasho oo uu had iyo goor yidhaahdo
ii islaama allaw hebel wuxuu leeyahay “ iyo inuu yidhaahdo “dhibaabena waa
nin leh”. Qodobka hore waxa uu macnihiisu yahay inuu ninka la igmaday
bilawgaba caddeeyo in waxa uu ka hadlayo aanu isagu lahayn ee uu yahay,
wixii uu ninka garnaqsanayaa sheegay, sidoo kale aanu ninka la igmaday
bilawgaba caddayn in wixii dhibaabe ah ee gartu leedahay ay u iilanayso
ninka garta leh, haddii kale ilayn isaga ayey fuulaysaaye. Dhibaabuhu waxa
weeye, dhaarta, markhaati oogista, kharashka iwm.
xiv) Mudaysi:- waa maalinta loo balamayo guda-galka garta, ha noqoto
maalinta ergada dhex-dhexaadintu soo warabuuxayso, ha noqoto maalinta
gartu dhacayso ama ha noqoto maalinta la isu soo dhiila dhaansanayo, (la
isu soo diyaar garoobayo).
La soco cadadka dambe
Top
Waxaan Doonayaa In Dawladda Reer Miyiga Xil layga magacaabo. |
Ku: musharaxa madaxweynaha reer miyiga mudane A.A.Garas
Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah waxaan ka mabsuuday barnaamijkii
wax qab ee aad soo qortey, waxaanan ka markhaati kacay in reer miyigu
cidna u maqnayn ceelna u qodnayn, markaa aniga oo ah nin dhalinyaro ah
hayana xoog fadiilo ah oo aan dalkayga wax ugu qaban karo, waxaan mudane
jeclaan lahaa in aad igu darto golahaaga gedyaqaan ah, walibana waxaan
jeclaan lahaa in la ii magacaabo wasiirka arrimaha gudaha iyo dhirta
dhaqanka iyo dhagaxa, sababta oo ah waxaan iskay u bartey oo aqaannaa ilaa
75 geed oo khudrad ah oo dalkeenu ka baxa kuwaas oo aan imika cidina wax
ku falin, waxaan rajaynayaa aan si wacan kuugula shaqeeyo.
Nooli kulanteen.
C/fataax Cali Samatar.
Top
Xisbiga Kulmiye Iyo Ololihiisa Xaamiga Ah. |
Xisbiga Kulmiye Iyo Ololihiisa Xaamiga Ah.
Abaarso (Haatuf) wefti balaadhan oo ka socda xisbiga KULMIYE oo uu
horkacayo xoghayaha guud ee xisbigaasi Daa’uud Maxamed Geelle, isla
markaana ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gobolka ee xisbiga KULMIYE Cismaan
C/laahi Cigaal iyo Fatxa Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka garabka haweenka
ee xisbiga KULMIYE ayaa maalintii shalay booqday Abaarso oo dhinaca
Galbeed ka xigta Hargeysa.
Masuuliyiinta ka tirsan KULMIYE oo si weyn loogu soo dhaweeyey Abaarso
waxa ay dadweynaha u jeediyeen khudbado kala duwan oo ay ku boorinayeen
inay u codeeyaan xisbiga KULMIYE, iyo musharaxiisa Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo.
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Daa’uud Maxamed Geelle oo la hadlayey
dadka reer Abaarso waxa uu uga waramay barnaamijka xisbiga KULMIYE iyo wax
qabadka xisbigooda haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada.
Isaga oo dadka uga mahad naqay sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen
isaga iyo weftigiisa, isaga oo intaa ku daray inay dadku doortaan kuwii
dulmiga ka riday, wuxuuna sheegay inay dadku ogaadaan in ay codkooda ku
hubsadaan meeshii ku haboon oo aanay halkii hore uun joogin. Islamarkaana
ay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE. Intaa ka dibna xisbiga KULMIYE waxay
ugu deeqeen booyado biyo ah deegaanka Abaarso oo ay ka jirtey biyo la'aani.
Iyada oo ay halkaa ka hadleen masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga
KULMIYE. Iyada oo ay doraadna xisbiga KULMIYE xafiisyo ka furteen
degmooyin ka tirsan caasimada Hargeysa.
Furitaanka xafiisyadan oo ay ka qayb qaateen dadweyne aad u fara badan oo
ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa hadalo ka jeediyey
masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu ka mid yahay
Cismaan C/laahi Cigaal gudoomiyaha gobolka ee xisbiga KULMIYE, isaga oo ku
booriyey inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale xisbiga KULMIYE ayaa maalintii shalay 100 foosto oo biyo ah
ugu deeqay xaafadda Cabdi Iidaan oo ay maalmahanba biyo la’aani ka jirtey.
Wararka ka imanaya magaalada Berbera ayaa iyaguna sheegay in 40 xubnood oo
ka tirsanaa ururo dhalinyaro oo ah ka mid ahaa ururadii SAHAN, ASAD iyo
HORMOOD ay ku biireen xisbiga KULMIYE, dhalinyaradaasi waxa ay sheegeen
inay muddo indho indhayeen xisbigii ay ku biiri lahaayeen haatana ay ku
qanceen in xisbiga KULMIYE yahay xisbiga dalka gaadhsiin kara horumar sida
uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Saaxil C/Raxmaan Casaan waxa ay tani
xoojinaysaa taageerada balaadhan ee uu xisbiga KULMIYE ku leeyahay Saaxil,
dhalinyaradaas oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay xarunta dhexe ee
xafiiska KULMIYE.
Top
WAADIGA CIYAARAHA.
Ciyaartii Arbacadii Ee England Iyo Turkey oo 95 qof oo Ingiriis ah loo
xidhay.
Waxay quraarado ku shiidayeen booliska Ingiriiska iyo basaska turkiga
taageerayaashiisu saaran yihiin garoonka hortiisa.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay bbc-da in booliska dalka
Ingiriisku ayaa ciyaarta ka hor ku xidhay 95 qof garoonka Sunderland
hortiisa markii ay quraarado ku shiideen taageerayaasha turkiga oo galaya
garoonka jajabiyeyna laydhkii ka baxayey garoonka hortiisa, haddaba
warbixin ay siisay gabadh u hadashay booliska Sunderland oo la yidhaa Sue
Nicholson ayaa sheegtay in rabashadaha taageerayaasha Ingiriisku sameeyeen
ay dhaawacyo ku soo gaadheen 3 qof iyo laba sarkaal oo boolis ah iyadoo
sheegtay inay ayaamihii u dambaysay 35 qof oo ahaa taageerayaasha
Newcastle iyo Sunderland iyo Leeds.
Dhinaca kale booliska England qaybtiisa la yidhaa (North Umbia) sarkaal ka
tirsan oo la yidhaa Jim Campeel ayaa sheegay in boolis ahaan ay u sii
diyaar garoobeen markii ay ogaayeen edeb darrada taageerayaasha Ingiriiska
gaar ahaana taageerayaasha naadiga Leeds United oo doonaysay inya kaga
aargoostaan taageerayaasha dalka Turkiga labadii qof ee kaga dhintay
Istanbuul sanadkii 2000 iyaga oo la ciyaarayey naadiga Galatasaray “Anaga
oo haddaba ciyaarta muhiimad dheeraada siinayna ayaa waxaa garoonkaas ka
shaqaynayey oo aanu xil saarnay (1000 askari) iyadoo waliba aanu
ilaalinaynay gaar ahaan 4500 (afar kun iyo shan boqol) oo taageerayaasha
Turkiga ah, waxaanu magaalada dhexdeeda ka qaqabanay taageerayaal Leeds
United ah oo meel isugu soo ururay si ay rabshado u sameeyaan, haddaba
taageerayaasha Turkiga oo aan marnaba isku dayin inay rabshado sameeyaan
ayaanu si nabad u kaxaynay, markii ciyaartii dhamaatay oo guryahoodii ku
gaynay” ayuu yidhi Cambell waxa kale oo uu intaa sii raaciyey Cambell
“Waxaanu sabab uga dhignay oo aanu ku aaminay rabshadaha ay wadaan dadka
reer Newcastle iyo Sunderland markaanu aragnay dadka reer Gremlins iyo
Seaburn-Casuals” (waa qabiilooyin) oo qorshaynaya rabshado iyo dagaalo
qaqabanay.
Haddaba mr. Cambell wuxuu hadalkii ku soo gebagebeeyey waxa iyaduna wax
weyn ka tartay guusha Ingiriiska 2-0 kaga badisay Turkiga ee rabshaduhu
intan way ka sii badnaan lahaayeen. Haddii Turkigu guulaysan lahaa.
Dhinaca kale warar ay sheegeen TV-yada ayaa tibaaxay in ciyaaryahanada
Ingiriiska iyo tababarayaashooduba waxyeelo iyo aflagaado gaadhsiiyeen
ciyaaryahanada Turkiga, gaar ahaana ninka difaaca uga ciyaara difaaca
turkiga ee la yidhaahdo Alpay Ozalan, haddaba mar uu tababaraha Ingiriiska
Mr Sven-Goran Erikson arrintan ka hadlayey wuxuu yidhi “waxba maanaan
samaynin shuqul-na kuma lihin, waxaan anigu ogahayna ma jirto (dhinaca
tababarayaasha) mana ogi wax ciyaaryahanadu sameeyeen, laakiin waxaan u
malaynayaa inay ahayduun wixii ciyaaraha kubbadda cagta dhici jirey markay
laba kooxood wada ciyaarayaan, anaguna waxaanu ahaynba qolada
guulaysanaysa mana ahayn inaanu xanaaqno. Ciyaartana waxay ahayd ciyaar
adag oo xiise leh oo labadayadu aanu doonayno inaanu badino”.
Hadaba guruub 7 oo turkigu ku hogaaminayey sagaal dhibcood ayaa markii
Ingiriisku laba iyo eber kaga badiyey ayaa Ingiriisku hal dhibic ku
hogaaminayaa, oo uu imika leeyahay toban dhibcood.
Ciyaaryahanka reer Aston Villa Mr. Darius Vassel oo haafkii dambe
daqiiqadii 58-aad bedelay Micheal Owen ayaa daqiiqadii 76aad kubad shuud
ah oo soo tufay goolwadaha turkigu Mr. Rustu Recber ku laaday laad toosan
oo uu daba mariyey goolwadaha Turkiga halkaana ku keenay goolkii koowaad
ee ay dhaliso kooxda Ingiriisku. Waxa isaguna daqiiqadii 91aad u dhaliyey
rigoore kooxda Ingiriiska Mr. David Beckham, halkaas oo ay kaga adkaatay
kooxda Ingiriisku kooxda Turkigu 2-0.
Inta u safatay labada kooxood ciyaartii Arbacadii England -- David James,
Gary Neville, Sol Campbell, Rio Ferdinand, Wayne Bridge, David Beckham,
Paul Scholes, Steven Gerrard, Nicky Butt, Michael Owen (sub: Darius
Vassell 58th), Wayne Rooney (Kieron Dyer 89th).
Turkey -- Rustu Recber, Fatih Akyel (Hakan Sukur 80th), Alpay Ozalan,
Bulent Korkmaz, Ergun Penbe, Okan Buruk (Umit Davala 59th), Yildiray
Basturk (Hasan Sas 70th), Tugay Kerimoglu, Asik Emre, Nihat Kahveci, Ilhan
Mansiz.
Top
|