Shirkad Wadani Ah Oo Xinaha Iyo Qasilka Soo Saartay. "Waxaan Ahaa Macalinkii Daahir Rayaale, Waxaanan Ku Idhi...”
Maxamed Aw Geele - Macalinkii Daahir Riyaale Oo La Wareystay.
Madaxweyne Rayaale Oo Maanta Ka Hadlaya Kheyriyadda
Hargeysa.
Guddi Aqoonyahano Sare Ah Oo Loo Xulay Inay Doorashada Dusha
Ka Ilaaliyaan "Waynu Garanaynaa Lugaha Ay Nabadgelyadu Ku Taagantahay
markaa…" Hadraawi.
Gaadhi Dameer-Layaal Iyo Gaadiidley Reer Burco Ah Oo Isu Soo
Bax Ku Taageeray KULMIYE.
Burco: Khudbadaha Kheyriyadda, Loolanka Adag Iyo Duruufaha
Yaal.
“Wasiiraddii La Magacaabay Lacagta Ha iska Qaateen, Sool iyo
Buuhoodle Doorasho Kama Dhacaysee” Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay
Kheyriyadda Hargeysa.
Jilbo-dhiig.
Waa Tuma Dawladda Haboon? Qeybta 5aad : Warshadeynta dalka
iyo shaqo abuuridda.
IFTIIINKA ISLAAMKA: AHMIYADDA MASAAJIDADA IYO BAAHIDA LOO
QABO DHISMAHOODA.
Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka iyo xeerarka Somalida.
|
|
Shirkad
Wadani Ah Oo Xinaha Iyo Qasilka Soo Saartay. |
Hargeysa (Haatuf): Shirkad yar oo
wadaniya oo dhawaan bilaabay (Samaynta) xinaha iyo qasilka ayaa waxa soo
saarkoodii u horeeyey todobaadkii ina dhaafay suuqyada soo dhigay.
Shirkadan wadaniga ah oo magaciisa la niyaadho ELAN GUDUD, waxa dhawan
laga aasaasay tuuladda Hudisa oo ku taal afaafka dhinaca xeebta ee waddada
dawga Sheekh, wuxuuna ururkani bilaabay farsamo ay ku samaynayaan xinaha
iyo qasilka, iyaga oo wax soo saarkoodii u horeeyey keenay suuqyada
magaalooyinka Burco iyo Berbera, waxaase markii u horeysay ee uu ururkani
soo ban-dhigo wax soo saarkiisii u horeeyey loo sameeyey xaflad xadhiga
lagaga jarayo shix-nad xadhigeedu gaadhayo ilaa 400Kg, oo isugu jira xinne
iyo Qasil, laakiin munaasibaddaa oo lagu qabtay tuuladda Hudisa waxa ka
soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta degmada Sheekh.
Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) ayaa
todobaadkan horaantiisii magaaladda kula kulmay ninkii hormuudka ka aha
aasaaska shirkadan Wadaniga ah ee ELAN GUDUD, oo magaciisu la yidhaahdo
Jaamac Cali Khalaf, taas oo uu weriyuhu ninkaa kala sheekaystay sida uu u
arko wax soo saarka Shirkadooda, wuxuuna muujiyey inay rajaynayaan inuu
wax soo saarkoodu mustaqbalka dhaw sii hormaro, isaga oo sheegay inay ku
talo jiraan inay dhawaan alaabta ay soo saaraan suuqyo dibadda u
iibgeeyaan, isla markaana ay dhinaca gudaha ku talo jiraan in laga maarmo
xinaha iyo qasilka debadaha laga keeno, isaga oo yidhi “Waxaanu ku
dedaalaynaa inaanu intii awoodayada ah soo saran-no waxa lagaga maarmo
xinaha iyo qasilka debadaha laga soo dhoofiyo oo uu ka tayo fiican yahay
qasilka dalkeenu”.
Top
"Waxaan Ahaa Macalinkii Daahir Rayaale, Waxaanan Ku Idhi...” Maxamed
Aw Geele - Macalinkii Daahir Riyaale Oo La Wareystay.
|
Maxamed Aw Geele waa macalinkii qoray
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale iskuulka, ee u bilaabay
fasalka koowaad (uulada). Wuxuu degan yahay magaalada Seattle ee ku taala
gobolka Washington State ee ka tirsan waddanka Maraykanka. Waxan maanta
(March 30, 2003) telephone-ka kula hadlay Maxamed.
Maxamed wuxu ii sheegay inuu isagu iskuulka qoray oo uu u bilaabay fasalka
koowaad Daahir Riyale Kahin 1961-kii, Maxamed wuxu yidhi, “Daahir wuxuu
ahaa ardayda kuwa ugu fiicnaa, xaga tacliinta, edaabta, wax maqalka iyo
dhego nuglaantaba. Anagu hadaanu macalimiin nahay, ardaydayada waxaanu u
jecelahay siday inamadayadii iyo hablahayagii oo kale yihiin. Daahir wuxuu
isku dayi jiray waayeelnimo iyo odaynimo, isaga oo yar. Markuu uulada ku
jiray wuxuu markiiba noqday inanka fasalka ka masuulka ah, hormoode ama
Alifle. Wuxuu aad iiga furan jiray, inuu kala celiyo, kala dejiyo ama
heshiisiiyo inamada ay isku fasalka yihiin. Runtii waan ku farxi jiray
markaan arko isagoo hawshaas si fiican u qabanaya. Marka iskuulka la
xidhayo term-kii waxa Dawladda hoose bixin jirtay prize, kuwaas oo lagu
bixin jiray, nadaafada, adaabta iyo waxbrasharada. Daahir wuxuu had iyo
goor ku heli jiray prize, adaabta, nadaafada iyo waxbarashadaba. Wuxuu ka
mid ahaa inamada tusaalaha u ah inamada kale ee lagu daydo.Nasiib daro
maanta school-ladeena record-koodii lama hayo, laakiin waxaan odhan jiray,
iga qora inankaasu wuxuu noqonayaa mid dalkiisa iyo dadkiisaba wax tara
eh. Ragii aan caynkaas ku odhan jiray ee reer Qun-jeed ahaa, qaar baa nool
maanta. Markaasaa aniga lay bedelay Xamar (waxay ahayd 1962-kii).
Laakiin inamada kuugu horeeyay ee aad school-ka qortaa way kugu dheer
yihiin. Daahir wuxu ka mid ahaa inamada aan tirsan jiray ee aan niyada ku
hayn jiray. Anigu waxaan tagay macalinimadii wixii ka dambeeyay 1968-kii
oo waxan noqday local government council. Markii dhulka askartu qabsatay
1969-kiina waan ka tegay waddanka oo waxan tegay East Africa.
Waxaan waddanka ku soo noqday 1978-kii markii dagaalkii Ethiopia dhamaaday,
waxaan imi Hargeysa, halkaas oo aan kula kulmay Daahir Riyaale oo ka ahaa
immigration officer, waan ku booqday xafiiskiisii aad iyo aadna waan ugu
farxay inaanu is aragno. Intii aan Hargeysa joogay waxan arkay inuu aad
iyo aad ugu fiicnaa shicibwaynaha oo uu shaqo fiican u qaban jiray dadkuna
aanay ka soo caban jirin.
Nimankii reer Qun-jeed ee aan ku idhi idinku inankaa eega, ayaan berigaa
xasuusin jiray. Waxaan u guuray Djibouti oo aan deganaa 1981\82. Markaasaa
la ii sheegay in Daahir loo soo bedelay safaarada Soomaalida inuu ka noqdo
immigration officer, markaasaan ku booqday xafiiskiisa, oo aan ku soo
dhoweeyay magaalada. Waan la taliyay, waanan u duceeyay. Waxaan ku idhi is
ilaali, nimanka markaa la shaqayn jiray ee safaarada haystay may ahayn
niman qoomiyad iyo qaranimo eegaya, ee waxay ahaayeen niman eegaya maanta
maxaan helaa. Nimankaasi way ashtakeeyeen Daahir oo waxay ka ashtakeeyeen
wasiirka arimaha dibada oo markaa yimi Djibouti, sidaasaa Daahir lagaga
bedelay Djibouti oo loogu celiyay Xamar. Aad baan uga xumaaday markaan
ogaaday in Daahir lagu celiyay Xamar, laakiin waxaan filaayay ayay ahayd
markaad eegto nimanka safaarada la joogay iyo siday wax lahaayeen. Markaa
waxan ku idhi Daahir, raali iska ahaw waad heli doontaa xaqaaga eh. Markaa
Djibouti baan sidii u deganaa dhulkeenana waxan ku tegi jiray booqasho.
Waxa Daahir ii xigtay mar aan booqasho ku tegay Berbera 1988-kii, isagaan
halkaa marti ugu ahaa laba cisho, wakhti xuna way ahayd. Markaan arkay
nimanka ay wada shaqaynayeen oo qawlaysato ahaa, oo wadanka iyo dadka
toona aan rajo ka qabin, ayaan waxan ku idhi “Illaahay ha kaa nabad geliyo”.
Labadii cisho magaalada ayuu i tusay, wuxuu isoo tusay dhibaatada meesha
taalay iyo dadka waxa lagu samaynaayay ee foosha xumayd, taas oo
labadayaduba aanu aad iyo aad uga naxsanayn ugana xumayn. Markii aan ka
soo baxayay subaxii dambe waa la dardaarmay, waxan ku idhi, dadkani waa
dadkaagiiye, waxad u qaban karto u qabo, adna waxan ilaahay kaaga baryayaa
inuu kaa badbaadiyo. Waxan ku idhi waxad maanta dadkaaga u qabato, xataa
hadaad dhimatona, aniga iyo ilmaaha ayaa u aayi doona, hadaad noolaatona,
adigaa u aayi doona. Halkaasaanu isku nabad gelyaynay oo aan kaga imi
Berbera.
Intaa waan waraysan jiray oo waxa ii xigtay aragtidiisa, mar aan Djibouti
ka imi oo aan Borama imi, halkaas oo aan Daahir kula kulmay, aad baan ugu
farxay aragtidiisa. Daahir halkaasaanu ku sheekaysanay, waxaan waydiiyay
wuxu jecel yahay inuu sameeyo ee qorshihiisu yahay. Daahir wuxuu iigu
jawaabay dhulka carabta aniga lay odhan maayo cabdal aswad, yurub iyo
waqooyiga markaykan-kana aniga lay odhan maayo cabiidkii. Waan ugu
duceeyay oo waxan ku idhi, Illaahay dhulkaaga ha kaa siiyo wixii debad
laga doonayay. Markaasaan anigu Djibouti ku noqday.
Waxan si fiican ugu war hayay, inuu Daahir ka qaatay qayb libaax shirkii
1993-kii ka dhacay Borama. Waxaanu Daahir mar kale isku aragnay
shirwaynihii beelaha ee lagu qabtay Hargeysa 1996-kii. Markaa Daahir wuxuu
ka mid ahaa dhowr nin oo u tartamayay jagada Madaxweyne ku-xigeenka. Ragg
kale ee la tartamayay waxa ka mid ahaa, Cabdiraxmaan Aw Cali, Mahdi
Ibraahim Khayre, Muuse Caynaan iyo rag kaleba.
Waxa maalin fursad ii noqotay inaan aqalkiisa imi, maalintaas oo ahayd
maalintii ay isaga iyo Cigaal is arkayeen ee wada hadlayeen. Maalintaa
nimankii la fadhiyay waxa ka mid ahaa, Illaahay ha u naxariistee Xaaji
Carmiye Odawaa, Shide Yare iyo rag kale oo badan oo gogosha fadhiyay oo
xaga Cigaal ka socday. Halkaasuu Daahir nimankii isku kaayo baray,
markaasu ku yidhi ninkani waa macalinkaygii oo macalinkii i qoray fasalka
koowaad. Maalintaas ayaa Daahir loo sheegay in isaga loo doortay inuu
Cigaal u noqdo Madaxwayne ku-xigeen. Maalintaa hadal ayaan ku idhi, anoo
aad ugu faraxsan, waxaan Illaahay ugu mahadnaqay fursadaa Daahir helay,
markaa anigu waxan Daahir u arkaayay inankaygii. Kuligoodna waan u
duceeyay oo waxan ku idhi Illaahay ha idinku garab galo hawshan iyo xilkan
aad qaadeen, waxaanan idiin sheegayaa inuu Daahir yahay nin ku munaasib ah
jagada Madaxweyne ku-xigeen. Waayo lixda gobol ee Somaliland-ba wuu ka soo
shaqeeyay, oo wuxu ku leeyahay asxaab, Illaahayna waxan ka baryayaa inuu
noqdo ninkaasu kii loo aayo ee dadkiisa iyo dalkiisaba u tara. Sidaasaanu
maalintaa ku kala tagnay, sidii baana loogu doortay jagadii Madaxweyne
ku-xigeenka.
Doorashadii markii ay dhamaatay ayuu maalin maalmaha ka mida Daahir ii
geeyay Cigaal (Illaahay ha u naxariisto) oo yidhi waan iskiin barayaaye
inakeen. Markaasu u sheegay inaan macalinkiisa ahaa, oo aan iskuulka qoray.
Illaahay ha u naxariistee Cigaal waan u mahad naqay, waan ku hambalyeeyay
ninkaa uu la soo baxay, waxaanan ku idhi, kii munaasibka ahaa baad la soo
baxday. Ninkanuna oday weeye, waa nin kula shaqayn kara, waxna kaa baran
kara, ee adna ka faa’iidayso, isagana u faa’idee.
Waxa aanu Daahir is aragnay laba goor oo dambe dabayaaqadii 2000 iyo
horaantii 2001-kii. Markaana waan u duceeyay aad baanan ugu farxay inay si
fiican u wada shaqaynayeen Cigaal. Markaa ka dib ayaan u soo kicitimay
Maraykanka.
Markii Cigaal dhintay, Illaahay ha u naxariistee, waxaan u fidiyay tacsi,
waxaanan ku idhi, xil wayn baad qaadaye Illaahay ha kula garab qabto.
Waxan Daahir la hadlay February 2003-kii (bishii hore), waxaan ku idhi,
markii xilka laguu dhiibay, Somaliland si nabad gelyo iyo xasilooni leh
ayaa xilka laguugu dhiibay, markaa waxan kula dardaarmay, in doorashada
soo socota ay u dhacdo si xarago iyo amaanba leh, waxaan ku idhi reer
Somaliland waxay kaa filiyaan oo ay jecelyihiin in doorasho xalaala ay
dhacdo, oo ay dhacdo si nabad gelyo ah, oo sidii Africa aan la odhan
waxbaa lagu shubtay. Waxaan ku idhi Somaliland inankeedii baad tahay,
doorasho xalaala ha dhacdo, oo haddii dadkaagu ku doortona u mahadnaq oo
si fiican ugu shaqee ummadda, haddii lagaa badiyo doorashadana adigoo
qoslaya ku tahniyadee ninka doorashada ku guulaysta, una sheeg inaad ku
garab taagan tahay. Intaasaan Daahir kula dardaarmay.”
Maxamed wuxu ku soo gebogebeeyay oo uu yidhi, “Maanta Somaliland adduunka
oo dhan ayaa indhaha ku haya, Illaahay waxan inooga baryayaa inuu
doorashadan mid khayr qabta oo waddankeena iyo dadkeena horumar u keenta
inooga dhigo.”
“Shacbi waynahana waxan leeyahay sidaa fiican ee aad yeesheen, nabada ku
tashada ictiraafkuna gacanteena ayuu ku jiraa maanta haddaynu illaashano
intaynu hore u soo samaysanay. Doorashadan ku dhameeya si wanaagsan, oo
gacmaha is qabsada, oo doorashadu hayna walaalayso, Illaahayna haynoo
siyaadiyo - aamin,” ayuu Maxamed Aw Geele ku soo geba-gebeeyay hadalkiisii.
Waraysigan waxa ka soo qaaday Rashid Garuf oo jooga Washington DC, USA.
Top
Madaxweyne Rayaale Oo Maanta Ka Hadlaya Kheyriyadda Hargeysa. |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, ahna
gudoomiyaha iyo musharaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB ayaa laga
wadaa inuu maanta dadweynaha reer Hargeysa khud-bad uga jeediyo fagaaraha
khayriyadda, iyadoo la filayo inay khud-badaasi qayb ka tahay ololaha
doorashada madaxtinimada.
Sidoo kale waxay wararku sheegeen inay madaxweyne Rayaale iyo
taageerayaashiisu socod wareeg ah ku soo mari doonaan daafaha magaalada
Hargeysa, iyadoo ay taasi u muuqato kaambayn ugu dambeeyey ee uu
madaxweyne debedda ugu soo baxo maadaama ay maalintii cod-bixinta inaga
xigto laba-saddex maalmood oo keli ahi. Laakiin lama oga inuu madaxweyne
Rayaale meel kale u bixi doono iyo inkale.
Top
Guddi Aqoonyahano Sare Ah Oo Loo Xulay Inay Doorashada Dusha Ka
Ilaaliyaan "Waynu Garanaynaa Lugaha Ay Nabadgelyadu Ku Taagantahay
markaa…" Hadraawi. |
Hargeysa (Haatuf): Guddi ka kooban 15 xubnood oo isugu jira aqoonyahano
sare, culima’udiin, abwaano iyo rag kale oo caan ah dhowaan loo magacaabay
ayaa shalay markii u horaysay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta
akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland kaga hadlay xilka loo
igmaday iyo waxyaalaha looga baahan yahay hawsha doorashada, waxaana
guddigan magacaabay akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland,
laakiin xubnaha guddigu waxay kala yihiin:
1-Dr- Xuseen C. Bulxan (Gudoomiye) 2- C/raxmaan C/laahi Jaamac (Gudoomiye-xigeen)
3- C/raxmaan Yuusuf Cartan 4- Cabdi Yuusuf Ducaale 5- Maxamed Ibraahin
Warsame 6- Dr. Aadan Yuusuf Abokor 7- Rashiid Sh. C/laahi 8- Maxamed
Xaashi Dhamac 9- Ismahaan C/salaan 10- Aamina Maxamuud Warsame (milgo) 11-
Sh. Maxamed Cumar Dirir 12- Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre 13- Sh. Mustafe Sh.
Ismaaciil Haaruun 14- Professor Saleebaan Axmed Guuleed iyo 15- Sh. Xasan
Daheeye.
Guddigan oo lagu magacaabay “Guddiga nabadda iyo anshax dhawrka” waxataay
shirkooda jaraa’id kaga hadleen arimaha doorashada iyo waxyaalaha looga
baahan yahay iyo weliba kaalintoodu waxa ay tahay, waxaana guddigaa
gudoomiye ka ah Dr. Xuseen C. Bulxan.
Ugu horayn saraakiisha akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland
ayaa ka waramay ujeedooyinka iyo hawlaha hayadooda.
Gudoomiye-kuxigeenka guddigan, C/raxmaan C/laahi Jimcaale oo ka waramaya
ujeedada iyo hawlaha guddigan ayaa yidhi “Xisbiyadu waxay saxeexeen wax la
yidhaahdo xeerka anshaxa doorashooyinka, waxaana jiray qoddob ay xisbiyada
iyo qolada guddiga doorashooyinku isla garteen, kaas oo ahaa in la sameeyo
guuddi la yidhaahdo anshax dhawrka oo ilaalisa heshiisyadii ay kala
qorteen xisbiyadu, isla markaana ka qayb qaadata dabagalka iyo ilaalinta
doorashooyinka”.
Dr. Bulxan oo ah gudoomiyaha ayaa isna shirkaa ka hadlay, waxaana
hadaladiisa ka mid ahaa “Guddiga shaqadoodu waxa weeye inay la shaqeeyaan
xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka oo ay ilaaliyaan dooorashada,
nabadana xoogga saaraan, isla markaana doorashada khl-khalka laga ilaaliyo
oo ay noqoto mid si hufan u dhacda.”
Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa guddiga ka mid ah, wuxuuna
shirkaa jaraa’id ka yidhi “Dalka waxa ka jirta doorasho, laakiin
doorashadaasi waa mid aad u kulul oo dadkii dhego barjaysay, culuysna ina
dulsaartay, sidaa awgeed mar hadii ay dooorashadu sidaa u kulushahay waxa
iska dhici karta inay wax ka dhashaan, shayga loo baqayaana waa
nabadgelyada, nabadgelyadana waynu garanaynaa sida ay ku timi iyo lugaha
ay ku taagan tahay, waayo ma aha nabadgelyo si macno leh oo xeel dheer loo
ilaalinayo, waxayse ku taagan tahay xanuunkii laga soo maray nabadgelyo
la’aanta , waxayna dhibaatadii dhacday dadka ku khasabtay inay ka
dhego-adaygaan belaayada, markaa nabadgelyadaa lugaha jilicsan ku taagani
hadii ay gacanta ka baxdo la garran maayo ilaa halka ay soconayso
nabadgelyo la’aanta timadaa, laakiin waxa ugu dhowi waa in laga hortago
nabadgelyo xumo timaadda, waayo hadii ay wax dhacaan cid ka daba tegaysaa
ma jirto.”
Sh. Ismaaciil oo isna guddiga ka mid ah ayaa yidhi, “Doorashadu waa inay
noqotaa mid si nabadgelyo ah u dhacda si ay taasi u dhacdana waa in
nidaamka doorashada la ilaaliyaan inta doorashada lagu jiro, waxaana
xisbiyada iyo ragga loolamaya waxaan u soo jeedinayaa kelmad, kelmadaas oo
ah inay xaq dhawraan rabitaanka shacbiga iyo inay qiimeeyaan qaynuunka
doorashooyinka, isla markaana ay qiimeeyaan maragfurka goob-joogayaasha,
waxa kale oo aan xusuusinayaa ragga tartamaya inay oofiyaan ballamadii ay
qaadeen oo ah inay ku kalsoonaanayaan wixii ka soo baxa codka bulshada iyo
inay rabitaanka bulshada, waxa kale oo aan guddiga sare iyo kuwa gobolada
iyo degmooyinka xusuusinayaa inay ilaaliyaan masuuliyadda saarran, taas oo
aanu leenahay waxaad dhabarka ku qaadeen masuuliyad aad u weyn, tartanka
doorashada ee dhacayana idinka ayaa garsoorayaal ka ah. Waxa kale oo
xaaraan ah oo reebban inuu qofku laba goor codeeyo.”
Professor Saleebaan Axmed Guuleed ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna ugu
horayn ka sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee ay soo martay jamhuuriyadda
Somaliland, gaar ahaan intii lagu dhawaaqay la soo noqoshada madax
banaanida sannadkii 1991-kii, isla markaana waxa uu ka hadlay
dhibaatooyinka ay doorashooyinku leeyihiin, isaga oo tusaalooyin u soo
qaatay dalal dhawr ah oo ay doorashooyinku qalalaase geliyeen, sidaa
awgeed waxa uu dadka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgelyada
ilaaliyaan. “Qofku hadii uu sharciga ilaaliyo xuquuqdii qofka wuu
ilaaliyey”ayuu yidhi Professor Saleebaan, wuxuuna intaa ku daray;
“Xisbiyada Siyaasadda iyo musharaxiintooda waxaanu ugu baaqaynaa in ay ku
dhaqmaan shuruucda heshiisyada iyo anshaxa wanaagsan, waayo, xilka ay
qaban doonaan astaantiisu waa waxa ay maanta muujiyaan, waayo? Nin raba
inuu ummaddan hogaamiyaa, waa inuu dariiqa fiican soo maraa, si hufana u
soo maraa, balse dadka xil uma qaban karo nin inta uu nidaamka ku galgasho
haddana yidhaahda kursi baan rabaa, dawladdana waxaanu ugu baaqaynaa in ay
abuurto jawi munaasib ku ah doorashada, sida shuruucda oo ay dhawrto,
nabadgelyada oo ay adkeeyaan, saxaafadana waxaanu ugu baaqaynaa inay wax u
qoraan si macno leh, waxaana odhan lahaa inaynu mar kale caalamka u
muujino inaynu nahay dawlad bisil, tartankanina waa tartan sokeeye kii
badiyaaba waa bahdeena”.
Abwaan Gaariye ayaa isna halkaa ka hadlay , waxaana hadaladiisa ka mid
ahaa “Maanta dooni baynu ku wada jirnaa markaa ninkii is yidhaahda
dalooliyow dee adiga ayey kula degaysaa ee ogow”.
Top
Gaadhi Dameer-Layaal Iyo Gaadiidley Reer Burco Ah Oo Isu Soo Bax Ku
Taageeray KULMIYE.
|
Burco (Haatuf): Gaadhi Dameero iyo baabuur kale oo kuwa
xamuulka ah oo tiro badan ayaa shalay isu soo bax ka sameeyey, iyaga oo
sheegay inuu isu soo baxoodu ku saabsan taageero ay u muujinayaan xisbiga
KULMIYE.
Sida uu ku soo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsani waxay
baabuurtan iyo gaadhi dameeradani markii ay magaalada ku soo wareegeen ka
dib isugu tageen garoonka kubadda cagta, halkaasna waxa kula hadlay qaar
ka tirsan hawl-wadeenada xisbiga KULMIYE, gaar ahaan raggii soo abaabulay
isu soo baxan, waxaana dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Yaasiin Xasan
oo yidhi, "Sida wanaagsan ee aynu isu soo abaabulay ayaa laynaga rabaa
inaynu codkana u bixino oo u siino kulmiye".
Sidoo waxa kale isna goor dambe garoonka ay kooxahani isugu soo baxeen
yimi Maxamed Yuusuf Liibaan oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE,
wuxuuna kooxaha gaadiidleyda ee isu soo baxay ku guubaabiyey inay
nabadgelyada ilaaliyaan.
Isu soo baxa noocan kale ahi waxa uu ahaa mid aanu noociisu hore magaalada
uga dhicin waxay kooxaha isu soo baxay sheegeen inay go’aansadeen inay hal
maalin shaqada joojiyaan oo ay sameeyaan isu soo bax ay ku muujinayaan
taageerada ay xisbiga kulmiye.
Top
Burco: Khudbadaha Kheyriyadda, Loolanka Adag Iyo Duruufaha Yaal. |
Burco (Haatuf): Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, isla
markaana ah gudoomiye-ku-xigeenka xisbiga UDUB iyo weliba musharaxa UDUB,
mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa doraad fagaaraha khayriyadda Burco kala
hadlay dadka reer Burco, wuxuuna ka hadlay arimaha doorashada madaxtooyada
ee foodda inagu soo haysa, isaga oo dadweynaha reer Burco ka codsaday inay
codkooda siiyaan.
Madaxweyne-kuxigeenka waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Wadanku wuxuu hadda
xornimadiisa haystay 12 sannadood, labadii sannadood ee hore waxa talada
hayey raggii soo halgamay, sagaal sannadood iyo dhawr bilood-na waxa hayey
Ina Cigaal alla ha u naxariistee, anaguna hadda sagaal bilood ayaanu
joognay, markaa hadii laydin odhan lahaa maamulka wax baa ka weecsan
waxaan idiin sheegayaa raggii weligood ku soo jiray maamulka waa
musharaxiinta maanta nala tartamaya ee yaan been laydiin sheegin, waayo
maamulka Somaliland hadii uu wanaag lahaa iyo hadii dhaliil lahaa intii
jirayba way ku jireen ee taa hala ogaado”ayuu yidhi madaxweyne-kuxigeenku,
isaga oo dadka reer Burco uga mahad naqay sidii wanaagsanayd ee ay u soo
dhoweeyeen.
Waxa kale oo isna fagaarahaa ka hadlay gudoomiyihii ururkii ASAD,
Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan-gaal), waxaana hadaladiisa ka mid ahaa
“Saddex arimood ayaa ina haysta, kuwaas oo kala ah dadka harraadan oo loo
gurmado, nabadda oo la dhawro iyo doorashada oo uu israaceenu ku xidhan
yahay, loona baahan yahay inaynu si haboon u codayno”, laakiin
Saleebaan-gaal waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “Xisbigan UDUB waxa uu ka
kooban yahay reer Somaliland oo dhan, doorashadana ka ku guulaysta waa in
la hambalyeeyaa, ka laga guulaystay iyo ka guulaystana Qaranka way wada
leeyihiin.”
Hase yeeshee magaalada Burco waxa ka socda olole xooggan oo ay xisbiyada
siyaasaddu ku kala jiidanayaan taageerada dadka, taas oo uu xisbi waliba
dhinaciisa u xusul-duubban yahay inuu ku guulaysto doorashada, iyadoo ay
muddo laba maalmood ah inaga xigto maalintii loo dareeri lahaa doorashada
madaxtooyada Somaliland, waxaana hadda gobolada iyo degmooyinka ku kala
filiqsan wufuud ka kala socda saddexda xisbi ee tartamaya UCID, UDUB iyo
KULMIYE, kuwaas oo ku mashquulsan ololaha doorashada, laakiin sida uu ku
waramay weriye Liibaan Maaweel shire oo Haatuf ka tirsan oo socdaal hal
maalin ah ku tegay magaalada Burco, hadana ku sugan Hargeysa marka la eego
gobolka togdheer, gaar ahaan xaruntiisa Burco loollanka ugu xooggani waxa
uu ka dhextaagan yahay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.
Wefti ka kooban koox wasiiro ah ayaa hadda in muddo ah socdaal ku joogay
magaalada Burco, kuwaas oo socdaalo ku soo maray meelo kale oo gobolka
Togdheer ka mid ah, waxayna wasiiradaasi ku jiraan olole ay taageero ugu
raadinayaan musharaxiinta xisbiga UDUB oo ah madaxweyne Rayaale iyo
kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo ay wasiiradaasi dhalasho ahaan
ka soo jeedaan gobolka Togdheer.
Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo ay isaga iyo raggii ASAD ee
uu hogaaminayey xisbiga UDUB ku biireen iyo kooxo uu hogaaminayo ayaa
iyaguna olole ay taageero ugu raadinayaan musharaxiinta xisbiga UDUB,
sidoo kale waxa iyaguna toddobaadkan magaalada Burco gaadhay wefti uu
hogaaminayo xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale,
kuwaas oo iyaguna halkaa ka bilaabay olole la xidhiidha doorashada.
Dhinaca kalena waxa toddobaadkan socdaal ku tegay magaalada Burco wefti uu
hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo ah musharaxa
jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE, waxayna Axmed Siilaanyo iyo xubno oo
xisbigiisa ka tirsan Salaasadii doraad tii ka horaysay dadka reer Burco
kala hadleen fagaaraha Khayriyadda magaalada Burco, laakiin marka laga
hadlayo xisbiga KULMIE weftiga Axmed Siilaanyo ka sokow waxa kale oo
iyaguna magaalada Burco ku sugan rag ay ka mid yihiin Maxamed Kaahin oo
hore uga tirsanaa ururkii ASAD, balse ka mid ahaa garabkii ku biiray
KULMIYE, waxa kale oo ragga KULMIYE u ololaynaya ee magaalada Burco ku
sugan ka mid ah Dr. Cabdi Aw-Daahir.
Ka sokow khud-badaha fagaarayaasha waxa kale oo magaalada Burco ka socda
shirar-doceedyo ay wadaan siyaasiyiinta kala xisbiga ah ee Burco ku sugani,
kuwaas oo shirar gaar gaar ah la yeelanaya beelaha iyo ardaayada reer
Burco. Sidoo kale waxa magaalada ka baxaysa qaylo badan, taas oo aad
suuqyada magaalada ku arkayso gawaadhi lagu rakibay samaacado iyo baabuur
ay dheegagga ka yaaliin calaamado xisbi, iyadoo ay makarafoonada baabuurta
saarran ka baxayaan heeso iyo halku-dhegyo ka turjumaya ololaha xisbiga.
Hase yeeshee marka la isku xooriyo waxa magaalada Burco iyo guud ahaan
gobolka Togdheer ka socda olole aad xaammi u ah.
Dhinaca kalena waxa gobolka ka jirta abbaar ba’an, waxayna xoolaha iyo
dadkuba ku sugan yihiin xaalad nololeed oo halis ah, iyadoo ay xoolaha isu
raaceen kaliil, xaaluf iyo biyo la’aan, laakiin ilaa hadda lama sheegin
wax gurmad ah oo loo fidiyey hadii ay dhinaca maamulka dawladda tahay iyo
hadii ay cid kale tahay toona, waxaadna moodaa inay maamulayaasha dawladda
iyo cid waliba tahay ololaha doorashada.
ku mashquulsantahay ololaha doorashada.
Top
“Wasiiraddii La Magacaabay Lacagta Ha iska Qaateen, Sool iyo Buuhoodle
Doorasho Kama Dhacaysee” Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay
Kheyriyadda Hargeysa. |
Hargeysa (Haatuf) Xisbiga caddaaladda iyo daryeelka (UCID)
oo ka mid ah saddexda xisbi ee ku tartamaya doorashooyinka madaxtinimada
dalka oo maalinta isniinta ee 14-ka April dalka ka dhici doonta ayaa
maalintii shalay isu soo bax balaadhan ku qabtay fagaaraha kheyriyadda
Hargeysa.
Isu soo baxan oo ah kii ugu dambeeyey ee uu xisbiga UCID ku qabto Hargeysa
waxa khudbado ka jeediyey masuuliyiinta xisbiga UCID qaar ka mid ah iyo
musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka waramay
socdaalkii u dhawaanahan ku soo maray gobolada bariga Somaliland,
marxaladda doorashada fooda inagu soo haysa iyo qorshihiisa ku Aadan wax u
qabadka dalka hadii uu ku guulaysto doorashada madaxtinimada ee fooda
inagu soo haysa.
Isaga oo ugu horeyn Faysal Cali Waraabe ka hadlaya wixii uu ku soo arkay
gobolada bariga ee uu dhawaan soo maray waxa uu sheegay inuu dhulkaa ku
soo arkay abaar ba’an oo ka taagan, taasoo aanay cidina waxba uga qaban,
“Waxaan soo arkay dad dhibaataysan oo abaari hayso, 13-kaa sanadood ee ay
Somaliland jirtayna aan calanka mooyee wax kale arag, waalalayaal waxaad
ku ducaysataan dadkii 13-kaa sanadood xukunka hayey inaan Ilaahay idinku
soo celin” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe isaga oo masuuliyiinta dalka ku
cambaareeyey sida aanay waxba ugu qaban dadka abaaruhu ku dhufteen.
Waxa kale oo uu Faysal Cali Waraabe intaa ku daray in ay gobolada bariga
ka jirto jabhad uu leeyahay C/laahi Yuusuf oo khatar ku haysa amaanka
dalka. “C/laahi Yuusuf wuxuu u soo sameeyey jabhad waxay inoo fadhidaa
meesha Guumays la yidhaa, sidaa darteed doorasho kama suurto galayso,
Laas-caanood, Taleex, Xudun, iyo Buuhoodle, doorashadana waxba yeeli mayso
markaa waxaanu leenahay sanduuq yaan la geyn, wasiiradii la sameeyeyna
waxaan leeyahay lacagta iska qaata, balse doorasho dhulkaa ka dhici mayso”
ayuu yidhi Faysal isaga intaa ku daray in loo baahanyahay sidii loo dhisi
lahaa ciidamada dalka si ay dalka u difaacaan, taasoo uu ku balan qaaday
inuu dib u dhis ku samayn doono.
Faysal Cali Waraabe waxa uu ku eedeeyey wasaaradda arrimaha gudaha inaanay
dalka waxba ka ogayn.
“Wasaaradda arrimaha guduhu maxay qabataa dawladnimadu waxay ka jirtaa
Hargeysa oo afarta xafiis lagtu qayilo, maanta iyada oo abaaro jiraana
ayey dadka u geynayaan qaad uma baahna dadku ee waxay u baahanyihiin biyo,
dhakhtar, waxay cunaan iyo daryeel,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Mar uu ka hadlayey labada xisbi ee kale waxa uu sheegay inay isbedeeen oo
aanay ahayn sidii hore “UDUB maaha kii uu ka tagay marxuum Cigaal, ee waa
UDUB Cartaysan oo musuqmaasuq ah, KULMIYE-na maaha kii hore ee Siilaanyo
horkacayey, waa KULMIYE waji kale leh, midkoodna dalka ma badbaadin karo
ee UCID baa badbaadin kara” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Ugu dambayna waxa munaasibadaa isu soo baxa ka hadlay masuuliyiin ka
tirsan xisbigaasi oo ay ka mid yihiin C/Samad oo ah xoghayaha abaabulka,
Khadar Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada iyo
masuuliyiin kale.
Ka horna waxa isu soo baxaa lagu soo bandhigay ciyaaro iyo heeso ka
turjumayey xisbiga UCID iyo wacyigelin ku waajahan sidii ay dadku codkooda
u siin lahaayeen xisbiga UCID.
Top
Biixi waxa uu habeen-ba reer u sii hoydo oo silic iyo
saxariir-ba la soo kulmo laba bilood ka dib ayuu soo gaadhay degaan meel
dhexe ah oo aan xagii uu u socday iyo xagii uu ka yimi midna u dhowayn,
wuxuuna yimi meel tuulo ah, laakiin tuuladaa wuxuu kula kulmay nin ay beri
hore saaxiib ahaayeen, ninkaas oo tuullada deganaa way is garteen, balse
Biixi waxa uu ahaa nin aad u diifaysan oo dhibaato badan kala soo kulmay
socdaalkii dheeraa ee uu soo galay, iyadoo ay Biixi dhibaatadii lugtu
gaadhsiisay heer aanu dhegaha aad waxba uga maqlayn, indhahana aragoodu
liito oo ay wax waliba himbiriirsi ku yihiin, waayo wuxuu la soo kulmay
harraad iyo gaajo, dhaxan iyo dib-jirsiimo badan, lug iyo nasaho la’aan,
dabadeedna ninkii saaxiibkii ahaa markii uu Biixi gartay ayuu yaabay oo is
yidhi waar tolow maxaa ninkii helay, ka dibna gurmad degdeg ah ayuu u
fidiyey, wuxuuna ku dedaalay sidii uga reebi lahaa dayaca iyo darxumada
oogadiisa ka muuqda, ka dibna Biixi tuuladaa ayuu nasaho dheer ku qaatay,
halkaas oo uu ninkii saaxiibkii ku baantay oo uu nolosha dib ugu soo
celiyey.Hase yeeshee muddo ka dib ayuu tuuladii ka yimi isaga oo markaa
isbedelay oo dadka u eg, sidaa darteed ninkii Biixi saaxiibkii waxa uu soo
jeediyey inuu Biixi dib ugu noqdo magaaladii uu ka yimi ee Muqdisho,
taasna wuu yeelay Biixi, ka dibna way is raaceen Biixi iyo saaxiibkii oo
waxay qabteen magaaladii uu Biixi ka yimi ee Muqdisho, dabadeedna Biixi
markii uu magaaladii yimi waxa markiiba loogu bishaareeyey inay gabadhii
Xayaad madax banaan tahay, iyadoo looga waramay maqaadiirtii weynayd ee
Xayaad ku dhacday iyo geeridii ku timi, taasina waxoogaa nayaayiro ah ayey
Biixi dareenkiisa ku abuurtay.
Laakiin gabadhii Xayaad waxay noqotay sariir-jiif aan jiidh iyo jibaadh
toona lahayn oo qori qalalan ah, balse habar dhaliwayday aleelo ku
waalataye Siraad oo ahayd Xayaad hooyadeed ayaa wixii fooxiso iyo faaliye
carrada joogay maalin-ba mid u yeedhay, wixii dhakhtar adduunka joogayna
mid aan lagula daaline ma jiro, iyadoo hooyo geed dheer iyo geed gaaban-ba
u fooshay sidii ay mar uun u arki lahayd dhabankii gabadheeda oo sidiisii
ku soo noqday, laakiin Xayaad waxba iskama bedelin xaaladeedii, waayo
xanuunka Xayaad hayaa ma aha duumo iyo daacuun toona ee waa xanuun
nafsaaniya oo ku jira nudaha dareenka ee qalbiga waraabiya.
Biixi inkasta oo uu jeeb madhnaa oo ay waxoogaagii yaraa ka lumen, hadana
ayaamihii dambe ma il-xumayn, waayo waxa uu u muuqday nin dhibaatadii
nolosha iyo lacag la’aanta la qabsaday, waxoogaa yarna ka soo kabtay
diiftii ka soo gaadhay dhinaca Xayaad iyo huqdii ay maalmo naftiisa ku
reebtay hantidiisii yarayd ee ka baxday, iyadoo aanay waxba u qabsoomin,
waayo markii uu arkay xaaladda ay Xayaad ku sugan tahay, taas oo marka la
is barbar dhigo xaaladiisa caafimaaad iyo xaaladeeda caafimaad uu isagu
maanta caafimaad dhaamo ayaa waxa u kordhay cimro weyn, wuxuuna ku qancay
inay wax waliba qaderka eebe ku xidhan yihiin, isla markaana maadaama
aanay ishiisu ku dhicin gabadhii uu maalmo badan u rafaaday ee noloshiisa
kala dhantaashay waxoogaa xasilooni ah ayaa naftiisa ku beermay. Hase
yeeshee waxa dadkii reer waqooyiga ahaa ee magaaladii Muqdisho ku soo
korodhay duruuf kale oo Xayaad iyo Biixi mid walba saamayn ku yeelatay,
taas oo ah cabsi soo food saartay dadkii reer waqooyiga ahaa ee Muqdisho
deganaa, ka dib markii loo aaneeyey dagaaladii u dhexeeyey jabhadii SNM
iyo dawladdii Siyaad Barre, waxaana maalintii dambe dhacday waxyaalo aan
la filayn, sida xasuuqyo iyo wax la mid ah, dabadeedna Biixi waxa uu
go’aansaday inuu magaaladan iskaga baxo, ka dibna inta uu tabaabushaystay
ayuu markiiba xagaa iyo Hargeysa u soo
baqoolay.
La soco cadadka dambe.
Top
Waa Tuma Dawladda Haboon? Qeybta 5aad : Warshadeynta dalka iyo shaqo
abuuridda. |
Waa Tuma Dawladda Haboon? Qeybta 5aad : Warshadeynta dalka
iyo shaqo abuuridda.
Warshaduhu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee horumarka iyo
dhaqaalaha dalka kor u qaada, shaqooyin badana laga abuuro.
Guud ahaan dalka waxa saamaysay shaqo la’aan xoog leh, taasi oo kor u
qaaday tirada dadka wax ma haysatada ama saboolka ah ee dawarsada si ay
noloshooda u badbaadiyaan.
Haddaba,si wax looga qabto waxa marka hore haboon:
In si cad loo qeexo xuquuqda shaqaalaha (shaqo siinta, habka qofku shaqada
kaga tegi karo/lagaga eryi karo iwm), lagana dhigo saacadaha caadiga ah ee
nla shaqeeyo sideed (8) saacadood maalintii. Sidoo kalena waa in
shaqaaluhu helaan daryeel haboon.
In wasaaradaha waxsoosaarka leh, kuwa ay wada shaqeyntu ka dhexayso (Wasaaradda
Qorsheynta & Dib u dejinta, Wasaaradda Ganacsiga & warsahdeynta,
Wasaaradda Beeraha & Kheyraadka dabiiciga ah, Wasaaradda Maaliyada,
Wasaaradda Macdanta & Biyaha) iyo Baanka qaranku noqdaan kuwo wada
shaqeeya, kadib marka iyaga dib u haybayn iyo wax ka bedel lagu sameeyo.
Waxa iyana lagama maarmaan ah in la sameeyo Bangi Horumarineed, kaasi oo
wax weyn ka taraya kor u qaadida waxsoosaarka dalka.
In dawladu u hawl gasho shaqo abuurka iyo horumarka dalka iyo dadka ee loo
baahan yahay.
Dhamaan arrimahani waa kuwo bilow ah una baahan in daraasad lagu sameeyo
islamarkaana si dhab ah loogu hawlgalo. Haddaba, haddii aan mid mid u soo
qaadano sida ay iskugu xidhmi karaan una wada shaqeyn karaan waa sidan:
I. Wasaaradda Qorsheynta & Dib u dejinta: Doorka ay wasaaraddani ka
qaadanaysaa waa mid xidhiidhineed (coordination) iyo isku habayn ah.
II. Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha: Waa in ay samayso, haday jiraana ay
hirgeliso, sharciyo u adeega, ilaaliyana warshadaha dalka ka jira sida:
Warshada Hilibka, Warshada Kalluunka, Warshada Hargaha & Saamaha, Warshada
Masaabiirta iwm. Sidoo kale waa in iyana sharci xadaynaya laga soo saaro
warshadaha waxyeelada ku keeni kara deegaanka, sida wasakheynt hawada,
biyaha iwm., waxyaabaha dalka dibediisa laga keenaana waa in aanay noqon
kuwo dhibaato u keena Deegaanka. Waxa iyana muhiim ah in ay wasaaradu
samayso daraasad (visibility studies) warshadaha dalka ku haboon, si ay
dadweynuhuna saami uga iibasan karaan.
Haddaba, warshadaha dalka laga hirgelin karo, shaqooyin badana laga abuuri
karo waxa ka mid ah: Warshada Sibidhka, Warshada Rinjiga, Warshada
Kaluunka, Warshada Milixda, Warshada Tamaandhada iwm.
III. Wasaaradda Beeraha & Kheyraadka dabiiciga ah: In ay wasaaraddu dejiso,
haday jiraana hirgeliso, sharci ilaalinaya kheyraadka dabiiciga ah. Waxa
iyana lagama maarmaan ah in la sameeyo ciidan (coastal guards) ilaaliya
xeebaha iyo baddaha dalkeena oo dhererkoodu yahay 850 Kms, si looga
hortago xaalufka iyo wasakheynta ay ku hayaan shirkadaha shisheeyaha ah.
Si ay suurtagal ugu noqoto in ay ciiadankani ilaaliyaan badaheena, waa in
ay lahaadaan ugu yaraan saddex markab oo yaryar. Tani waxa ay inoo suurto
gelineysaa in aynu awood u yeelano ilaalinta xeebaheena, heshiisyana la
geli karno shirkadaha badaheena bilaashka uga kaluumeysta, taasi oo lacag
adagina inaga soo geli doonto, kheyraadka baddana lagu badbaadin karo.
Haddaba, haddii aynu si kooban uga hadalno, hawlaha ay tahay in
wasaaraddani wax ka qabato waxa ay yihiin:
Kaluunka: Si looga faa’iideysto kheyraadka badaheena, dadkana shaqooyin
loogu abuuro, waxa lagama maarmaan ah in la qaado talaabooyinkan soosocda:
In la abuuro iskaashatooyin kaluumeysi, lana siiyo tababaro.
In Bangigu siiyo maalgelin (deyn) ay shaqada ku bilaabi karaan.
In la sameeyo goobo kaluunka lagu qaboojiyo, laguna keydiyo
In daraasad lagu sameeyo sidii suuq loogu heli lahaa kheyraadka badaheena.
Beeraha: Dhulka Somaliland ee la beerto waxa lagu qiyaasaa 3%, kaasi oo la
gaadhsiin karo in kabadan 10%. Dalagyada dalka laga beertaa waxa ay u
badan yihiin kuwo roobka ku baxa (Hadhuudhka, Qamadiga, Arabikhida iwm),
inkastoo ay jiraan kuwo aan badnayn oo waraabinta ku baxa, sida Liinta,
Tamaandhada, Basasha, Saladhka, Babaayga iwm. Haddaba, si loo horumariyo
beeraha, waa:
In la dhiirigeliyo beeraleyda, lana siiyo tababaro la xidhiidha habka wax
beerista.
In cashuur dheeraada la saaro waxyaabaha dibeda laga keeno, ee dalkeena
laga soo saaro ama laga beero.
In dawladu samayso beer lagu tijaabiyo dalagyada dalka laga beeri karo &
sida ugu haboon ee loo beeran karo sida: Bunka, Lawska iwm.
In loo hawlgalo sidii wax looga qaban lahaa biyo yarida haysata beeraleyda.
Xoolaha: Dhaqaalaha dalkeenu 60-70% waxa uu ku xidhanyahay xoolaha nool,
sida darteed waa:
In loo hawl galo sidii suuq loogu heli lahaa iibka xoolaheena.
In la kala saaro dhul beereedka iyo ka daaqsinta.
In la sameeyo seerooyin xooluhu daaqaan xilliyada jiilaalka.
In si joogto ah loola socdo caafimaadka xoolaha.
In xoolodhaqatada la siiyo tababaro la xidhiidha caafimaadka xoolaha iyo
isticmaalka daawooyinka.
IV. Wasaaradda Macdanta & Biyaha: Marka la eego miisaaniyada 2002
kharashka loogu talo galay wasaaraddan, waxa uu ahaa $50,650 halka uu ka
ahaa 2001dii $66,709 waxana halkaa ka muuqata in la dhimay $16,059.
Miisaaniyadan kama muuqato barnaamijyo loogu talo galay horumarinta
macdanta & biyaha dalka, sida baadhista macdanta iyo gurmadka ceelasha
biyaha oo aan wax kharash ah loogu talo gelin. Waxa iyana wax lala yaabo
ah in Wasaarada Warfaafinta 2002da loo kordhiyey kharash dhan $55,651
kaasi oo ka badan miisaaniyada loo qorsheeyey Wasaarada Macdanta & Biyaha,
iyada oo la gaadhsiiyey misaaniyada 2002da ee Wasaaradda Warfaafinta
$171,050 halkii ay ka ahayd 2001da $115,399. Taasi waxa ay ku tusineynasaa
in aan wax qorshe ah loogu talo gelin sidii loo horumarin lahaa macdanta
iyo biyaha dalkeena.
Biyaha: Roobabka sanadkii da’a waxa lagu qiyaasaa 14.5 inches. Xilliyada
ugu badan ee uu roobku da’aa waa dhamaadka Maarso ilaa Sebtembar, waxa
iyana jira roobab ka da’a xilliga dayrta dhulka xeebaha ah (janaayo ilaa
Maarso).
Biyaha roobka waxa laga faa’iideystaa 20% inta kale ee soo hadhay oo ah
80% waxa ay galaan badda. Sidoo kale biyaha badda galaa waxa ay maydhaan
ciidii nnafaqada lahayd.
Haddaba, si biyahaas looga faa’iideysto, loogana hortago nabaad guurka
waxa lagama maarmaan ah in biyo xidheeno laga sameeyo meelaha ku habboona,
taasi oo looga faa’iideysan karo waraabka xoolaha iyo beerida khudrada.
Hirgelinta arrimahan, waa in loo qoondeeyo kharash dhan $1,500,000
sannadkii.
Guud ahaan ceelasha hadda dalka ka shaqeeya waxa ay dhan yihiin 40 ceel
(30 ah kuwo riig qoday iyo 10 ceelasha gaa-gaaban ah), waxa iyana jira 9
ceel oo dib u habayn u fadhiya (waxa ku baxaya dayactirkooda kharash dhan
$267,000) iyo 34 ceel oo baaba’ay xilliyadii dagaalka (1988-1990) kuwaasi
oo ay lagama maarmaan tahay in la qodo bedelkoodii baahida biyahana loo
daboolo, waxana ku baxaysa $4,080,000.
Biyaha caasimada ee Hargeysa: Nidaamka loo dejiyey horaantii sideetanadii
waxa uu ahaa in uu daboolo baahida 300,000 oo qof, lana soo saaro 4000m3
maalintii. Keydka biyaha loogu talo galay ee dhisani waa 4000m3. Nidaamkii
dhisnaa waxa imika ka shaqeeya 60%. Dadka hadda ku nool Hargeysa waxa lagu
qiyaasaa 700,000 - 800,000 oo qof, sida dareteed waa in:
Nidaamkii hore la hagaajiyo lana kordhiyo si loo daboolo baahida biyood ee
caasimada ka taagan.
Laga sameeyo biyo xidheeno agagaarka ceelasha, si biyaha dhulku kor ugu
soo kacaan una kordhaan (to raise water table).
La kordhiyo keydadka biyaha, lana gaadhsiiyo awoodooda ugu yaraan 6000m3.
Hirgelinta mashruuca biyaha Hargeysa waxa ku baxaya kharash dhan
$2,500,000.
Macdanta: Si looga faa’iideysto macdanaha dalkeenu leeyahay, dhaqaalaha
dalkuna ugu horumaro waxa lagama maarmaan ah in:
Si qoto dheer daraasada loogu smaeeyo macdanta dalka ku jirta
Sharci loo dejiyo, haduu jirana la hirgeliyo, shirkadaha baadhi kara ama
dhoofin kara macdanta.
Daraasad lagu sameeyo sidii suuq loogu heli lahaa macdanta dalkeena.
Top
IFTIIINKA ISLAAMKA: AHMIYADDA MASAAJIDADA IYO BAAHIDA LOO QABO
DHISMAHOODA. |
Masaajidku waa hoy cibaado iyo dugsi waxbarasho oo aanay
Muslimiintu ka maarmi karin. Meel kasta oo ay degaanna intaanay wax kaleba
u dhaqaaqin, waxa lama huraana inay masaajid ka dhistaan, waayo masaajidku
ahmiyad gaar ahaaneed oo aan la qiimayn Karin ayuu nolosha qofka Muslimka
ah ku leeyahay. Nebiguna (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato)
markuu madiina u haajiray mashruucii u horreeyey ee uu hirgeliyey wuxuu
ahaa dhisme masaajid.,iyo muslimiintii uu walaaleeyey,ooahaa
muhaajiriintii iyo Anasaara.
Masaajidku wuxuu ahmiyadda ku yeeshay doorka weyn ee uu ka qaato diinta
Islaamka, carbinta iyo laylinta qofka Muslimka ah, jamaacada iyo mujtamaca
oo dhan. Hooy cibaado ka sokow, masaajidku waa hooy waxbarasho oo lagu
barto usuusha Diinta, Caqiidada iyo shareecada. Dadka masaajidka
imaatinkiisa qabatimaana waxay markay ku socdaan, dhex joogaan, ama ay ka
soo laabtaan, u socda ajar aan la qiyaasi karayn. Waxa kale oo ka dhex
abuuranta walaaltinimo iyo xidhiidh sokeeye. Waxay noqdaan qaar iska war
haya, dadka kale isaga dhow oo wada tashada, waxna wada qabsada, iscaawiya
oo iska warhaya.
Masaajidku waa il ka mid ah ilaha jannada, oo Raxmada Alle ku soo degto,
Naxariistiisuna ay hadhayso, habeenkiina nuur ayaa ka baxa malaa'igtu soo
eegato. Sidaas darteed masaajidku wuxuu leeyahay qushuuc gooni ah iyo
dareen gaar ahaaneed waayo waa meel Ilaahay lagu caabudo. Waanada aad
gudihiisa ku maqashaana si gooniya ayey kuu damaqdaa, si dhab ahna raad
ayey kuugu yeelataa waayo waa guriggii Ilaahay. Masaajidku waa meel lagu
tababaro qofka Muslimka ah, laguna layliyo wacdiga Aayadaha Qur'aanka iyo
Axaadiista Rasuulka (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato)
Carbiskaasina wuxuu qofka ku hagaa Dariiqa Mustaqiimka ah (toosan). Wuxuu
noqdaa fuliyaha amarada Ilaahay, kana waantoobaa denbiyada la inooga digay
ee inaga reebban.
Halkaasna waxa ka abuurma qof si dhaba diinta ugu dhaqma. Wuxuuna noqdaa
mid hagaaga. Hadii qofqof loo hagaagana, waxaa iyana hagaagta jamaacada
meesha ku wada tukata oo dhan. Hadday jamaacadu hagaagtana waxaa hagaaga
mujtamaca guud oo isna qabatima Islaanimada. Waa wax isku wada xidhan.
Haddaan aasaaska la toosinna, baarka sare lama toosin karo. Wakhtigii
Nebigana (Nabad-gelyo iyo Naxariisi Korkiisa Ha Ahaato). Wuxuu masaajidku
ahaa xarunta nolosha Muslimiinta laga maamulo. Wuxuu ahaa goobta ay
dacwaddu ka bilaabmato, Xarrunta Guud ee ciidamada laga kala diro,
hogaamiyayaashana lagu magacaabo, Maxkamada dadka lagu gar-naqo, xarunta
zekada lagu qaybiyo, iyo waliba hooyga saboolka saxaabada iyo dadka
socdaalka ah.
Sida xaqiiqadu tahayna masaajidku wuxuu si wax ku ool ah u raadeeyaa
nolosha qofka Muslimka ah. Waayo qofka masaajidka qabatimaa waxa uu
badsadaa dhegaysiga khudbadaha Jimcayaasha iyo muxaadarooyinka diiniga ah.
Wuxuuna noqdaa qof uu wacyigiisa diineed kor u qaadmo, Iimaankiisuna uu
xoogaysto. Wuxuu noqdaa Muslim dhab ah oo u dhaqma sidii Ilaahay iyo
Nebigiisu (Nabad-gelyo iyo Naxariisi Korkiisa Ha Ahaato) ay fareen. Qofka
masaajidka tegidiisa badsadana waxa gala dareen ah inuu Ilaahay ku xidhan
yahay, maganna u yahay. Qof Ilaahay ku xidhani nasiib badanaa!!
Masaajidku door xasaasi ah ayuu ka qaataa hagidda iyo toosinta Muslimiinta.
Waayo maalin kasta shan goor ayaa laga eedaamaa, shan salaadoodna waa lagu
tukadaa. Toddobaad kastana khudbada Jimceed ayaa ka baxda. Sidaa
awgeedna,masaajidka dadka ayaa lagu baraarujiyaa oo tegiddiisa lagama
maarmikaro. Dhamaan Muslimiinta waxa waajib ku ah inay meel kasta ka
dhistaan masaajiddo ay Ilaahay ku caabudaan, Diintana ay ku bartaan. Hoyga
cibaado kasokowna waxay u baahan yihiin goob ay ka duulaan oo ay dacwadda
kagaadhsiiyaan dadka aan Muslimka ahayd oo ay waajib inagu tahay inaynu
gaadhsiino diinta Islaamka.
Hadaba dadweynha soomaalida waxaan ku boorinayaa inay ka qayb qaataan
dhismaha masaajida. Deeqday bixiyaan waxay u noqonaysaa sadaqa ajarkeedu u
socondoonto ilaa maalinta qiyaame. Waxaa suura gal ah in qofka maanta ka
faa'iidayta fursadan oo wax u bixiya in Ilaahay u labanlaabi doono, todoba
boqol oo jeer ama ka badan (Ilaah idankiis). Waayo lacagta ayuu waayi ama
qof uusiiyo ayuu waayi ama waa uu ka dhiman. Alle (Subxaanahu Wa Tacaalaa)
waxa uu yidhi: kuwa iimaanka laga helayow wax bixiya waxaan idinku
arsaaqay qaarkood ka hor intaanay iman maalinta (Qiyaamaha) aanay
gudaheeda jirin wax la kala iibsado, saaxiibtinimo iyo isu-shafeeco qaadis
(midna) {Al-Baqarah:254}.
Cusmaan bin Cafaan(Irhka) wuxuu soo weriyey inuu Nebiga(Nabad-gelyo iyo
Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) yidhi: qofka masaajid dhisaa , Ilaahay ayaa
janada guri uga dhisa.
Allah (SW) wuxuu qur'aanka inoogu sheegay in "kuwa xaqa rumeeyey ee
camalka fiican fala inuu dhaxalsiin doono dhulka siduu u dhaxal-siiyey
kuwii ka horeeyey; wuxuuna makanin Diintooda uu uga raali noqday; cabsiday
ku noolaan jireenna wuxuuna ugu beddeli doonaa nabadgelyo; keligay ayay i
caabudi doonaan cidna (caabudaadda) ilama wadaajinayaan" {An-Nuur:55}.
Salaadaha Tadawuca ah:
sharciga salaadahaTadawuca ah:
tadawucu waa salaadaha aan waajibka aheyn ee sunaha ah. Taddawacu wuxuu
dhammaystiraa gefka (nuqsaanta) salaada faradka ah, salaadda waxa ku jira
fadli aan laga heli Karin cibaadoyinkakale, abii hurayra (irhkn)waxa laga
soo weriyay inuu rasuulku (nkha)yidhi: waxa ugu horreeya ee dadka maalinta
qiyaamaha lagu xisaabinayaa waa saadda ilaahay isagoo og ayuu
malaa’iigtiisa ku odhanayaa eega salaadda adoonkayga, ma dhammaystiray
mise muu dhammaystirin? hadday dhammsysitranto waxa loo qorayaa iyadoo
dhan. Hadday wax ka dhinmaanna wuxuuilaahay odhanayaa eega inuu adoonkaygu
tadawuc sameeyay hadii uu adoonku tadawuc sameeyay uga buuriya wixii
salaadda farad ka ah ka dhiman tadawuca, hadba sida salaadda adoonku
noqoto ayaa camlkiisa kale oo dhan loo xisaabinayaa (waxa weriyay abuu
daa’uud) abii-umaamah waxa isna laga soo weriayay inuu rasuulku (nnkha)
yidhi: dhammaaaan camalka addoomihiisa wuxu ale ugu dhegaysi badan yahay
laba rakcadood oo tadawuc ah khayrkuna madaxa addoonka korkiisuu usoo
degaa inta uu salaadda ku firo (waxa weriyay axmed at-tarmidi iyo as-sayuudi
oo yidhi waa saxiix). Imaam maalik isagoo tadawuca kaga hadlaya kitaabkisa
al-muwada’wuxuu isna yidhi: waxa isoo gaadhay inuu nebigu (nnkha) yidhi
dariiqa toosan raaca, lagana yaabee inaydaan Karin, waxaad ogaataana inay
salaaddu camalkiina oo dhan ugu khayr badantay, weysadana inuu mu’minka oo
keliyi xafido (muslim ayaa weriyay).
Waxa Fadlibadan Tadawuca Guriga Lagu Tukado.
Imaamu axmad iyo muslim waxay jaabir ka soo weriyeen inuu nebigu (nnkha)
yidhi: haddii uu qof idinka mid ihi salaadda ku tukado masjidka waa inuu
salaaddisa qayb ka mid ah u reebo gurigiisa. Waayo salaadda uu qofku
gurigiisa u reebo wuxuu alle uga yeelaa khayr imaam axmad wuxuu cumar ka
soo weriyay inuu rasuulku (nnkha) yidhi: salaadda tadawuca ah e qofku
gurigiisa ku tukadaa waa nuur, kolkaa qofkii rabaa ha ku nuuriyo gurigiisa.
Cabdulaahi ibnu cumar isna waxa laga soo weriyay inuu rasuulku (nnkha)
yidhi: salaaddina qayb ka mis ah ku tukada guriyihiina, hana ka dhigina
guryihiina qubuuro (waxa weriyay axmad iyo abuu daa’uud) sidoo kale, wuxuu
abuu daa’uud kaga soo weriyay snad saiix ah Zayd bin thaabit inuu nebiga (nnkha)
yidhi: salaada uu qofku ku tukado gurigiisu way ka fadli badan tahay midda
uu ku tukado masjidkaygan marka laga reebo salaadaha faralka ah (sidaas
darted salaaddii aan farad ahayn waxa fadli badan in guriga lagu tukado).
Axaadiista aan kor ku sheeganay waxay ina tusayaan inay mustaxab tahay in
salaada tadaawuca ah lagu tukado guriyaha, iyo in salaada tadawuca ah ee
guriga lagu tukadaa ay ka fadli badan tahay midda masjidka lagu tukado.
Imaam an-nawawi wusuu yishi: sababtu waxay tahay salaadda guriga lagu
tukadaa way ka fogtahay istusnimo (ama faan) iyo waxyaabaha hoos u dhiga
camalka wanaagsan, guriga salaadaha tadawuca ah lagu tukadna raxmadda
eebbe iyo mall’iigta ayaa ku soo degta, shaydaankuna wuu ka fogaadaa ( uma
soo showaado).
Fadliga Dheeraynta Tadawuca Iyo Badinta Sujuuda
Way jamaacaddu muqiirah ibnu shucbah ka so weriyeeen abuu daa’uud mooyee
inuu iydhi: markuu rasuulku (nnkha) taddawuca tukanayo wuu dheerayn jiray
ilaa luguhu (kubabka iyo bowdyuhu) bararaan. Kolkii la weydiiyayna? Wuxuu
rasuulku (nnkha) yidhi miyaanay ahayn inaan noqodo adoon ilaahissa u mahad
celiya.
Fadhiga Malaagu Tukankaraa?
Qof salad tadawuc ah tukanaya waxa u banaan in uu fadhiga ku tukado isaga
oo awoodi kara in uu sarajoog ku tukado, waxa sidoo kale inoo banaan in
qayb kamid ah sarajoog lagu tukado qaybta kalena fadhi.
Rakcad keliya gudaheed ayuu qofku badhna sarajoog ku tukan karaa badhna
fadhi. Fadhi iyo sarajoog kolba ka uu doono ayuu qofku horeysiin karaa
iyada oo aaney karaahiyo ku jirin. Qofka tadawuca tukanayaa sida uu doono
ayuu u fadhiisan karaa. Hase yeeshee waxa fadli badan in loo fadhiisto
lugaha oo isdhaafsan (tarabuc, ama lugo isweydaarsi), imaam muslim waxa uu
ka soo weriyay calqamah in uu casha (irhka), waydiiyay habka uu rasuulku (nnkha)
tadawuca u tukan jiray isaga oo fadhiya? Waxay tidhi: { qur,aankuu akhriyi
jiray isaga oo fadhiya, kolkuu rabo in uu rakuucona inta uu istaago ayuu
rakuuci jiray.} sidoo kale, casha(irhka) waxa laga soo weriyay inay tidhi:
(maan arag rasuulka Alle (nnkha) oo qur,aanka salaada habeenkii fadhi ku
akhriyaya intaanu gaboobin ka hor.
Kolkuu gaboobayse fadhiguu ku akhriyi jiray, kolkay sodan ama afartan
aayadood u hadhsan yihiinna inta uu kaco ayuu sarajoog ku dhamayn jiray
kabacdina wuu rukuuci jiray ( Axmed iyo Axsabu sunanka).
Qaybaha Tadawuca:
waxa jira laba nooc ah:
(1)Tadawuc guud (Mudliq) oo ah mid aan tirada ragcaduhu xadidnayn .
(2)Tadawuc xadidan ah (Muqayad) oo ah mid ay ragcaduhu xadidanyihiin:
1)Tadawuc guud (Mudliq) wuxuu ku kooban yahay kolba inta uu qofku
niyeeyo.Imaam An Nawawi wuxuu yidhi : Hadii uu qofku goosto inuu salad
tadawuc ah tukado oo aanu tiro go’an niyeeyin wax u banana inuu salaamu
naqsado xataa markuu ragcad kali ah tukado, haduu rabana wuu kordhin karaa
laba, sadex, boqol ama kun ragcadood iyo wixii la mida hadii uu qafku
tukado isaga oo garan karayn tirada ragcadood ee uu tukaday dabeetana
salaama naqsado salaadiisu waa sax sida ay culamadu isu waafaqeen ee uu
imaamu Shaafici sheegay. AL-bayhaqii wuxuu sheegay inuu Abaa-darr tukaday
ragcado faro badan dabadeetan salaamo naqsaday.kolkaasuu al axnaf binu
qees ku yidhi: miyaad ogtahay inaad shafci ku salaamo naqsatay (tiro
dhaban ah) iyo in aad witir (tiro kinsi ah )ku salaamo naqsatay? Abaa-darr
waxa uu ugu jawaabay: haddii aanan garan Karin inta aan anigu tukaday
ilaahay baa garanaya. Waxaan maqlay khaliilkay (saaxiibkay) abul-qaasim (irhka)
oo leh, kolkaasuu ilmeeyay abaa-darr oo haddana yidhi: waxa aan maqlay
khaliilkay abul-qaasim oo leh { sujuudii uu adoonkii alle u sujuudaba,
wuxuu ilaahay qofkaa kor ugu qaadaa darajo, gef uu falayna wuu kaga
dhaafaa.} ( Addaaramiyi ayaa si saxiix ah ugu soo weriyay masnadkiisa,
inkastuu sannadka xadiiska ku jirro nin cadaaladiisa la isku khilaafay).
2) Tadawuca gaarka ahi (muqayad) waxa uu ka koobmaa sunnayaasha raatibta
ah ee la raaciyo salaadaha faralka ah ee leh rakcado go,an, sida sunnaha
salaada fajarka (waaberi ama subaxa) duhurka, casarka, maqribka, iyo
cishaa'iga.
Maxamed Case.
Top
Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka iyo xeerarka Somalida. |
Madaacalaygu dacwadiisu waa mid uu isku difaacayo, wuxuuna
ku sheeganayaa sida aan waxba loogu lahayn, isla markaana waxa uu ku
dacwiyayaa in waxa lagu haysto uu isagu leeyahay, sidoo kale waxa uu
dacwadiisa ka mid ah inuu duro oo uu gaashaanka u daruuro wixii uu
muducigu ku hadlay, wuxuuna inta badan istcimaalaa ereyo ay ka mid yihiin,
"Markhaatigii u fadhiyayow ka kac". , laakiin inay caynkaas iyo caynkaas
tahay madacaalay baan ahay qordis iyo rugteedna waan ka fadhiyaa, "Hebel
waxaa laguma qordiyo", taas oo uu ula jeedo marka ay gartu ambadeeda
gaadho wixii uu madaacale jid u yeellan jiray ayaan diyaar u ahay. Tusaale
ahaan nin baa nin kale saacad ka qaatay, iyadoo ay cidi la joogto (markhaati
la joogo), ka dibna maalin dambe ayuu ninkii saacadda qaatay u celiyey
ninkii saacadda lahaa, wuxuuna u dhiibay iyadoo aanay cidi la joogin oo ay
labadooda oo qudha yihiin, dabadeedna ninkii saacadiisa loo celiyey ayaa
yidhi ninkaa hebel saacad buu iga qaatay iimana soo celin, ka dibna gar
baa loo qaaday, markaas ayuu ninkii muduciga ahaa yidhi "Inuu ninkaa hebel
saacadaydii iga qaatay muduci baan ahay, markhaati iga furtana waan u
haystaa, mar hadii ay caynkaa tahay ninkaa saacadaydii ayaan ka doonayaa
rug muducina waan ka fadhiyaa", dabadeedna ninkii muducaalayga ahaa ayaa
odhanaya "Inaan saacadaa qaatay markhaatigii u fadhiyayow ka kac,
milladina iiguma timaado, inaanse u celiyey madaacalay baan ka ahay, qordi
iyo rugteedana waan ka fadhiyaa", madacaaluhu waxa uu caynkaas u leeyahay
hadii uu muduciga markhaatigu u furo, madaacalayguna markhaari waayo waxay
noqonaysaa saacadii iska bixi oo milladi meesha iman mayso, markaa waa
inuu xiribta (farsamadaa) sameeyaa madaacaluhu, hadii kale isagaa saacadii
lagu leeyahay.
Hadaba waa maxay xiribi, ereyga xirib waxa laga soo dheegtay masalan hadii
uu isha saxar kaaga dhaco waxa laga yaabaa inuu qarsoomo oo uu xiribta
hoosteeda galo, halkaasna ku qarsoomo, taas darteed xiribtu waa tab
qarsoon, laakiin xiribtu waxay noqotaa mid wanaagsan iyo mid dhinaca xun
loo dhigo, tusaale ahaan marka xiribta wanaagsan laga hadlayo waxa ka mid
ah, masalan nin baa waxa u soo hoyday 4 nin oo ay tol yihiin, abtirsiimo
ahaan u siman, laakiin mid ka mid ah saddexdaa nin ayuu jecel yahay oo
beerka kaga yaal, dabadeedna markii uu shaahii u soo kariyey ayaa ninkii
uu jeclaa mooyee saddexdii kale waxa uu shaahii ugu soo shubay bakeeriyo,
balse ninkii uu jeclaa intuu madiibad caano badan ku soo shubay ayuu yidhi
waar reerku bakeeri afraad ma lahe madiibadaa adigu shaaha ku cab.
Waxa kale oo xiribta wanaagsan ka mid ah, masalan nin ay martiyi u soo
hoyatay oo neef u qalay, dabadeedna isaga oo hilibkii googoynaya is yidhi
xaasku yaanay kaa qadin, ka dibna intuu cad weyn gooyey oo uu ciidda ku
riday yidhi naa kaa ciidda ku dhacay adigu qaado, laakiin nin gabadhu uu
qabo laga fiican yahay oo ay yara doqontay ayaa beri odaygeedu markii uu
sidaas oo kale ku yidhi naa cadkaa ciidda ku dhacay adigu qaado ay ku
tidhi maxaan ku falaa cadka ciidda ku dhacay, dabadeedna wuxuu taa kaga
jawaabay "Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo".
La soco cadadka dambe.
Top
|