Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 309 April 13, 2003

Maxaa Lagu soo Gebagabeeyey Ololihii Doorashada Madaxtinimada Somaliland.

ARRIMAHA BULSHADA, Caraale Maxamad Jaamac.  

Goob-Joogayaal Caalami Ah Oo Dalka U Yimi In Ay Koormeeraan Doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland.

Halkuu Ku Danbeeyay Sadaam Xuseen?

Dr. Axmed Xuseen Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Somaliland Iyo Doorka Musharixiinta.

Xusuusta hawl-Galkii Bir-jeex.

Shaybaadhka Xeel-dheere: Xayiraadda Abaaddey Iyo Go’aanada maxkamadaha ee Isku Cayn Iyo Beyd Go’an.

Gobolka Sool miyaa Laga Reebay Doorashada Madaxtinimada?

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhawro Rabitaanka Ummadda.

GARTA XEER-BEEGTI.

Jilbo-dhiig.


 

 

 

 

 

 


Maxaa Lagu soo Gebagabeeyey Ololihii Doorashada Madaxtinimada Somaliland.

Maxaa Lagu soo Gebagabeeyey Ololihii Doorashada Madaxtinimada Somaliland. “Xisbiga UDUB,wuxuu ballan qaadayaa inuu ixtiraami doono natijhada doorashada,” Daahir Rayaale. “waxaanu dooranaynaa in aanu Boorama ka xorreyno Hargeysa”Faysal Cali Waraabe. “Xisbiga KULMIYE, wuxuu ballan qaadayaa in aanay dhinaciisa nabadgelyo-darro ka imaan,” Axmad Silaanyo.

Hargeysa (Haatuf): 6:00 subaxnimo ee shalay ayaa la soo gebagebeeyey ololihii doorashada xisbiyada siyaasadda, ka dib markii ay muddo toddobaaddo ah xisbiyada tartamayaa ku soo jireen saxawan iyo kaambayn adag oo uu mid waliba taageero kaga kasbanayo dadweynaha, waxayna xisbiyadu ololahooda ka soo afjareen xaflado iyo khudbado ay ku qabteen meelo kala duduwan, taas oo ay ragga xisbiyada ka sharaxani ka jeediyeen hadalo ay ku kala dardaarmayaan taageerayaashooda ama ay dadweynaha ugu gud-binayaan fariimahoodii u dambeeyey.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah musharaxa Madaxweynaha xisbiga UDUB ayaa doraad khud-badiisii u dambaysay ee kaambaynta doorashada ka jeediyey fagaaraha khayriyadda Hargeysa.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe oo isna ah musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID ayaa isla doraad khud-badiisii u damabysay ololaha doorashada ka jeediyey fagaaraha khud-badaha magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, laakiin Axmed Siilaanyo oo ah musharaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE ayaanay doraad u suurta gelin inuu meel fagaare ah ka hadlo, isaga oo doraad ku sugnaa magaalada Hargeysa, laakiin waxa uu shirjaraa’id ku qabtay gurigiisa, isaga oo ku cawday inay u qorshaysnayd inuu maalmaha u dambeeya khud-bad ka jeediyo fagaaraha khayriyadda, balse ay maamulayaasha dawladdu geeska ku riixeen, kana lumiyeen fursadoodii, sidoo kale Axmed Siilaanyo waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in laga horjoogsaday fursad uu kaga hadli lahaa idaacadda raadyow Hargeysa. Isaga oo arimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Marar badan ayaanu codsanay inaanu idaacadda ka hadalno, balse fursadaa waa nalaga horjoogsaday, khayriyadana markii aanu nidhi waxaanu doonaynaa inaanu ka hadalno waxa nalagu yidhi gelinka hore waxa ka hadlaya Madaxweynaha, gelinka dambena haweenka UDUB ayaa ka hadlaya, sidaas ayaa nalagu waasiiyey fursaddii aan kaga hadli lahayn.”

Axmed Siilaanyo waxa uu walaac ka muujiyey sida ay doorashadu ugu dhacayso cadaalad, isaga oo sheegay inay ka baqa qabaan inay dawladda iyo xisbigeeda UDUB ku shubtaan foodka, laakiin waxa uu intaa ku daray inay wax kasta oo mad-madow ah oo jira, hadana ay diyaar u yihiin inay tartamaan, wuxuuna yidhi “Anaga oo og inuu dulmi badani jiro ayaa hadana anaga ku kalsoon inay iraadada shacabka iyo taageerada aanu shacabka ka haysanaa masaxi doonaan waxaas oo dhan ayaanu sidaa kula gelaynaa tartanka.”

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu shirkiisaa jaraa’id ku cel-celiyey in nabadgelyada la ilaaliyo, isaga oo taageerayaashiisana ugu baaqay inay nabadda iyo xasiloonida ilaaliyaan. “Waxaan ballan-qaadayaa xisbiga Kulmiye dhiniciisa inaanay wax nabadgelyo daro ahi ka imanayn, waxaanan taageerayaasha Kulmiye iyo shacbiweynahaba ugu baaqayaa inaad xataa hadii wax kasta la idinku samaynayo aad nabadgelyada ilaalisaan”ayuu yidhi gudoomiyaha KULMIYE.
Sidoo kale madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu khud-badiisii fagaaraha khayriyadda ee doraad kaga baaqay in nabadgelyada la ilaaliyo, isaga oo yidhi “Waa inaynu ka ilaalino cidkasta oo doonaysa inay nabadda mud-muddo oo aad mudada saddexda cisho ah ee ka hadhay doorashada madaxtooyada ku coddaysaan si nabadgelyo ah.”

Madaxweyne Rayaale isaga oo tilmaamaya waxyaalihii uu qabtay mudadii uu xilka hayey waxyaalihii uu ku abaal-sheegtay waxa ka mid ahaa qaddiyadda Somaliland oo uu sheegay inuu dunida aad uga dhaadhiciyey iyo ta labaad oo uu ku tilmaamay doorasho xor ah oo uu dalka ka suurta geliyey.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu fagaaraha khayriyadda ka sheegay inuu xisbigiisyu ixtiraami doono natiijada doorashada ka soo baxda, xisbiyada kalena oo uu sidaas oo kale ugu baaqayo, isaga oo yidhi “Xisbiga UDUB waxa uu ballan-qaadayaa inuu ixtiraami doono natiijada doorashada ka soo baxda, xisbiyada kalena waxaan u soo jeedinayaan inay ixtiraamaan natiijada doorashada ka soo baxda.”

Gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe waxa uu isna khudbadiisii fagaaraha Boorame ka yidhi “Anagu hadii aanu ku guulaysano doorashada waxaanu doonaynaa inaanu Boorame ka xorayno Hargeysa oo uu gobol walba siino is xukun buuxa.”

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar waxay madaxda xisbiyadu ololohoodii gobolka Awdal ku soo gebagebeeyeen khud-bado kala duwan, iyadoo dhinaca kalena sanaaduuqdii doorashada ayaa soo gaadhay magaalada Boorame, isla markaana loo sii gud-biyey degmooyinka qaarkood .

Wefti uu ay hogaaminayso gudoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Siraad Cali Yuusuf, uuna ka mid yahay musharaxa jagada madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE, C/raxmaan Aw-cali Faarax ayaa indhowayd olole ka waday degaamada gobolka Awdal, kuwaas oo magaalooyinka iyo tuulooyinka ay mareen khud-bado uga jeediyey dadka degaamadaa, iyadoo ay weftiga KULMIYE doraad ka soo laabteen dhinaca xeebaha. Sidoo kale madaxda saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo UDUB ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey khud-bado dadka uga jeedinayey magaalada Boorame.

“Anigu waxaan ka mid ahaa ragga inka badan dhawr iyo toban sannadood rajada ka qabay inay Somaliya wax noqoto, laakiin waan ka quustay, sidaa darteed xisbiga Kulmiye ayaan ugu ducaynayaa inuu guulaysto oo uu Somaliland ictiraaf u helo”sidaa waxa yidhi Nin la yidhaahdo Abtidoon oo reer Boorame ah, sidoo kale mid ka mid ah hawl-wadeenada xisbiga UDUB ayaa yidhi “Inagu hadii aynu reer Awdal nahay waa inaynu codkeena siino UDUB, cid kale waxba inagama gelin.”

Sidoo kale magaalooyinka iyo degaamada gobolada kale waxa laga soo gebagebeeyey ololihii doorashada, iyadoo wax keliya ee hadda la sugayaan ay tahay cod-bixintii oo loo dareero Isniinta berito.

Top


ARRIMAHA BULSHADA, Caraale Maxamad Jaamac.

Ka fogow fikradaha khaldan.

Laakiin waxa la odhan karaa maaha wax dunida ku cusub naceybka iyo xaasadka ka yimaada dadka horumarka neceb.

Waxaynu tusaale usoo qadankarnaa naceybkii lagaga horyimi xiligii kacaankii warshadah ee yurub oo ay soo baxeen laba fekradood oo iska soo horjeedey. Fekradahaasi waxay ahaayeen laba aragtiyood oo ay dadka qaar soo dhaweeyeen horumarka iyo fekrado kale oo ahayd mid xoogan oo ka imanaysay dadkii diidanaa horumarka,fekrado ama aragtidii oo ahayd mid ay ku jireen naceyb iyo xaasidnimo ka imanaysay kuwa diidanaa horumarka la gaadhay ee dhinaca warshadaha laakiin diidmada iyo naceybkii horumarka ee ka imanayey dadkaa waxalooga hortegayeysan iyadoo lasameeyey wacyi gelin guud oo dadka lagaga dhaadhicinayo horumarka iyo faa’idooyinka ay leeyihiin warshaduhu ,waxaayna taasi yareysay diidmadiiiyo naceybkii ka soo burqanayey dadka diidanaa horumarka.

Laakiin marka aynu usoo noqono guuldarooyinka la kulma dadaka qaata fekradaha iyo sheekooyinka khaldan ee ay ku dhexmilanyihiin xasadka iyo naceybka ,waxaayna tusaale usoo qaadan karnaa, MR. Homer Cory oo ahaa nin maraykana oo caan ku noqday Qarnigii 19aad qorista iyo samaynta riwaayadaha. Mr. Homer 1910-kii wuxuu sameeyay riwaayad caan ah oo uu ka helay Lacag aad u badan dhawr bilood kadibna waxa uu sameeyay riwaayad kale oo ay ka iibsatay shirkad filimada samaysaa. Labadaa riwaayadood markuu sameeyay Mr. Homer wuxuu isku qanciyay inuu yahay nin Ilaahay hibo u siiyay fanka oo aan ka faa’iidaysan awooda uu u leeyahay inuu maal-qabeen noqdo, laakiin is qancinta Mr. Homer waxa sii xoojiyay oo ay ka dhalatay markii ay saaxiibadii u sheegeen sheeko ku saabsan nin ganacsade ah oo xiliggaa ka mid ahaa ragga magaalada New York safka hore kaga jira xagga ganacsiga, waxayna saaxiibadii uga sheekeeyeen ninkaas oo ay ku sheegeen nin waageen ah oo Maraykanka ku yimi daaduun, isla markaana aanu xataa ahayn nin aan aqoon fiican u lahayn luqadda, iyadoo ay sheegeen inuu lacagta uu haysto ka helay dhulka uu iibsado ee uu ka ganacsado, waxayna sheegeen inuu sidaa ku helay ninkaasi Lacag badan oo soo gashay muddo yar gudaheed, sidaa awgeed waxay Mr. Homer saaxiibadii u sheegeen inuu isagu yahay nin dalkiisii jooga, taasuna ay u fududaynayso inuu si dhakhso ah guul u gaadho.

Arrintaas ayaa noqotay mid uu Mr. Homer si fiican u soo dhoweeyay, laakiin Mr. Homer waxa la kulmay wax aanu filayn oo aanay marnaba qorshaha ugu darin saaxiibadii, laakiin Mr. Homer waxyaabihii la kulmay iyo qayb kale oo xiiso leh la soco cadadka dambe ee Axadda.

Top


Goob-Joogayaal Caalami Ah Oo Dalka U Yimi In Ay Koormeeraan Doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland.

“Waxaanu dadka reer Somaliland u rajaynaynaa in ay ku gulaystaan qabashada doorasho xalaal ah”, Shannon Field,Madaxa Goob-Joogayaasha Koonfur Afrika.

Hargeysa (Haatuf): muraaqibiin ka socda beesha caalamka oo ay tiradoodu sodonka kor u dhaafsantahay ayaa haatan ku sugan magaalo madaxda dalka ee Hargeysa si ay goob joogayaal uga noqdaan doorashada madaxtooyadda ee dalka Somaliland ka dhaci doonta maalinta berri haddii Eebe Idmo.

Goob-joogayaashan oo ka kala socda Koonfur Afrika, Sweden, Itoobiya Britian, Norway, Holland, France, Kanada iyo Maraykanka waxa la filayaa inay u kala baxaan gobolada dalka si ay u xaqiijiyaan sida ay doorashada uga dhacdo goobaha cod-bixinta iyada oo ujeedada taas laga leeyahay tahay inay ka marag furaan in doorashadu u dhacday si xor ah oo xalaal ah iyo in kale, ergadani oo isugu jira rag iyo dumar khubaro ku ah arrimaha doorashooyinka, xildhibaano, diblomaasiyiin iyo suxufiyiin, waxa ugu balaadhan weftiga ka socda dalka Koonfur Afrika oo ay haatan yimaadeen 10 xubnood laba kalena la sugayo inay dalka soo gaadhaan maanta. Balse wufuudan waxa ugu maqaam saraysa haweenayda magaceeda la yidhaahdo Birgitta Ohlsson oo xubin ka ah baarlamaanka dalka Sweden isla markaana ka tirsan xisbiga Libaraaliga ah (Folkpartiet), iyada oo wefdiga ay horkacayso ay ku weheliyaan laba nin oo ay isku xisbi yihiin oo kala ah Peter Schuckinka Kool oo ay isku xisbi yihiin horena dhawr jeer u yimid dalka Somaliland iyo Hanad Maxamed Cabdi.

Wefdga balaadhan ee ka socda dalka Koonfur Afrika oo ay hogaaminayso gabadha magaceeda la yidhaahdo Shannon Field ayaa war saxaafadeed uu shalay soo saaray ku waxa sheegay inay danaynayaan doorashada madaxtinimada ee ka dhaci doonta dalka Somaliland. Iyaga oo faahfaahin ka bixinaya ujeedada socdaalkoodan waxay sheegeen in sideed ka mid ah xubnaha wefdiga ay dalka soo gaadheen maalintii khamiistii labada kalena ay hore u sii joogeen Hargeysa si ay casharo u siiyaan muraaqibiinta axsaabta ku tartamaysa doorashada Somaliland.

Xubnaha wefdiga reer Koonfur Afrika waxay ka kala socdaan hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin mac-hadka doorashooyinka Koonfur Afrika iyo xisbiga talada dalka haya ee ANC oo ay ka mid yihiin Iqbaal Jhazbahay oo isla markaana ah ninka somaliand u igmatay inuu qaabilsanaado xidhiidhka ay la leedahay Koonfur Afrika iyo Yuusuf Gabru oo isla markaana xubin ka ah dawladda hoose ee gobolka Keebka (Cape). Madaxa wefdigan Mrs Shanon Field ayaa iyada oo ujeedada socdaalkoodan ka hadlaysa tidhi “Waxaanu dadka reer Somaliland u rajaynaynaa inay ku guulaystaan qabashada doorasho xor ah oo xalaal wanaanu ku garabtaaganahay halganka ay ugu jiraan helitaanka aqoonsi caalami ah” iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “Marka la eego qaaradda Afrika Koonfur Afrika ayaa noqonaysa dalka taageerada ugu balaadhan siiya dhaqdhaqaaqyada lagu yagleelayo laguna toosinayo hanaanka dawladnimada hagaagsan ee dalalka Afrika, imaatinkayaganna wuxuu fursad noo siinayaa in aanu ku badhitaageerno geedi socodka dimuqraadiyadda ee ka jira Somaliland, iyada oo dadka reer Somaliland aanu ku taageersanahay rabitaankooda ay ku doonayaan inay dalkooda ugu qabsoonto doorasha xor ah oo xalaal ah, iyada oo ay anaga sharaf noo tahay in aanu goob joog ka ahaano taariikhdan iyo waagan cusub ee dalkiina ka baryeya”.

Waxa kale oo goob joogayaasha ka mid ah Owen Richards oo ah xoghayaha siyaasadda safaaradda Britian ee Addis Ababa iyo Glenn Warren oo ka tirsan safaaradda maraykanku ku leeyahay Nairobi.

Goob-joogayaashan tirada badan oo dalka u yimid inay goob joog ka ahaadaan doorashada madaxtinimada waxa wararka qaar sheegayaan in bulshada caalamku ay aad u danaynaso sida ay Somaliland uga dhacdo doorashadan madaxtinimadu, sidaa darteedna ay u yimaadeen dalka, waxaana suurta gal ah, haddii ay doorashadani u dhacdo si xalaal ah, oo ay goob-jooogayaashu sheegaan inay si xalaal ah u dhacday, inay taasi horseedo Ictiraaf uu dalku deg deg u helo.

Top


Halkuu Ku Danbeeyay Sadaam Xuseen?

Dagaal Culus oo xalay agagaarka Qasriga madaxtooyada Baqdaad Ku dhexmaray Ciidamada Maraykanka Iyo Naftooda Hurayaasha Sadaam

Baqdaad (W. Wararka): Dagaal culus ayaa habeenimadii xalay ka dhacay agagaarka qasriga madaxtooyadda ee magaaladda Baqdaad, kaas oo dhexmarayey ciidamada badda ee maraykanka iyo kooxo loo malaynayo inay yihiin naftood hurayaasha Sadaam.

Dagaalka dhexmaray labada dhinac oo la isku adeegsaday hubka culus waxa la sheegay inuu ka dhashay iyada oo ay ciidamada maraykanku dedaal ugu jiraan baadi-goobka madaxweynihii Ciraaq Sadaam Xuseen iyo masuuliyiintii sar-sare ee la shaqaynayey, kuwaas oo ilaa iyo hadda meel ay jaan iyo cidhib dhigeen aan la haynin. Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha goobtaa ka dhacay balse waxa la sheegay inuu dagaalku ahaa mid aad u culus.

Ciidamada maraykanka oo isku dayeya inay gacanta ku wada dhigaan caasimadda Baqdaad ayaanay ilaa hadda u suurta gelin, iyada oo ay dagaalo goos goos ahi kaga imanayaan kooxo naftood hurayaal ah oo ilaa iyo hadda difaacaya goobaha ay kaga jiraan caasimadda Baqdaad.
Ka dib markii ay si lama filaan ah u burburtay dawladda Sadaam Xuseen ayaa waxa dadka su’aalo ku dhalisay gaar ahaana sirdoonka Maraykanka halka uu ku dambeeyey madaxweyne Sadaam Xuseen, waxaana la isweydiinayaa in la dilay, in la dhaawacay iyo inay u suurta gashay inuu dalkaa ka baxsado, su’aalaha ilaa iyo hadda sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriisku jawaab sugan kamay bixin.

Dhamaan macluumaadka ilaa iyo hadda laga ururiyey arrintaasi waxay muujinayaan inay suurta gal tahay inuu Sadaam Xuseen ku jiray dhisme ay ciidamada Maraykanku ku burburiyeen weerar dhinaca cirka oo ay ku qaadeen, dhismahaas oo la sheegay inay CIA-du ku heshay war inuu ku jiray Sadaam Xuseen, iyo labadiisa wiil Cuday iyo Qusay, oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka tirsanaa maamulkii Sadaam Xuseen, weerarkaas oo ay diyaarad u maraykanku leeyahay ku dhufatay qumbulad uu culaykeedu gaadhayo 900kg taas oo keentay in dhismahaasi dhulka la sinmo, qumbuladaasi waxa la sheegay inay dhulka hoos ugu daadegto si ay u gaadho wixii dhulka hoostiisa ku jira.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inaanay ciidamada maraykanka u suurta galin inay dhismaha hore u gaadhaan, taasina waxa ay adkaynaysaa in la garto cidda ku dhimatay weerarkaasi. Markii weerarkaasi dhacay 48-saacadood ka dib ayey ciidamada maraykanka u suurta gashay inay galaan badhtamaha magaalada Baqdaad, waxaanay Maraykanku u badinayaan warkooda inuu Sadaam ku jiray dhismahaa la burburiyey, balse ilaa iyo hadda lama cadayn inuu Sadaam halkaa ku dhintay.

Balse masuuliyiinta sirdoonka Maraykanku waxay u badinayaan inuu halkaa ku jiray taas oo ah sida ay jecelyihiin inay u suurta gasho.

Marka taa laga yimaado waxa kale oo jira warar sheegaya in laga yaabo inuu ku dhaawacmay weerarada ciidamada Maraykanka iyo in laga yaabo inay u suurta gashay inuu dalkaa dibadda uga baxo. Ama uu ku dhuumanayo safaaradda uu Ruush-ku ku leeyahay magaalada Baqdaad.
Si kastaba ha ahaatee halka uu ku dambeeyey Sadaam Xuseen waa mid aanay u caddayn sida ay sheegayaan maraykanku.

Dhinaca kale fowdadii iyo qaskii ka taagnaa magaalooyinka waaweyn ee dalka Ciraaq gaar ahaana Caasimadda Baqdaad ayaa la sheegay inuu hoos u sii dhacayo. Inkasta oo jiraan meelaha qaarkood boob iyo dhac ka socdaa.

Ciidamadii hore ee booliska Ciraaq ayaa la sheegay inay soo bandhigeen sidii ay ciidamada maraykanka uga caawin lahaayeen xal u helida boobka iyo qaska ka socda magaaladda.
Dhinaca kale Kornayl Sacdi Xamdi oo hore u ahaa la taliyaha gaar ah ee Sadaam Xuseen ayaa la sheegay inuu isu dhiibay Ciidamada Maraykanka taasoo haddii ay dhaboobawdo noqonaysa masuulkii ugu horeeyey ee ka tirsanaa maamulkii Sadaam Xuseen ee isku dhiiba ciidamada Maraykanka.

Top


Dr. Axmed Xuseen Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Somaliland Iyo Doorka Musharixiinta.

Dr. Axmed Xuseen Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Somaliland Iyo Doorka Musharixiinta.

Hargeysa (Haatuf): Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah aqoonyahanada u ololeeya qaddiyadda Somaliland isla markaana madax ka ah mac-hadka cilmi baadhista iyo tababarka (IPRD) oo xaruntiisu tahay Hargeysa ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay doorashadan inay dalka wax tar weyn u leedahay, isla markaana isaga oo ku booriyey dadku inay si haboon uga qayb qaataan, mar uu ka hadlayey axsaabta tartamaysa waxa uu sheegay inuu isagu aad ugu kalsoonyahay hogaanka xisbiga KULMIYE, inay yihiin kuwa dalka ka saari kara marxaladan. Waxaanu sidaa ka sheegay maalintii shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoteelka Hargeysa Club.

Dr. Axmed Xuseen waxa uu shirkaa jaraa’id kaga hadlay xaaladda siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, doorashada lagu wado in maalinta berrito ah loo dareero, iyo aragtidiisa siyaasadeed, ee musharaxiinta, tartamaysa, laakiin Axmed Xuseen wuxuu ugu horeyn ka hadlay marxaladda doorashada Somaliland iyo macnaha dawladnimada wuxuuna sheegay inay maanta Somaliland marayso marxalad aad xiiso badan oo u baahan in laga wada hadlo wixii khasaare iyo faa’iido ay leedahay doorashadu, maadaama ay doorashadu tahay mid lagu dooranayo madaxdii dalka hogaamin lahayd.

Dr. Axmed isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan ogsoonahay in shayga dawladnimadu aanay ka dambayn madaxda markaa dalka hogaaminaysa oo ah muhiimka aasaasiga ah ee dawladnimada, haddii madaxdu xumaatona nidaamkii wuu xumaanayaa, oo ma jiraan wax inoo hagaagayaa”. Dr Axmed waxa uu intaa ku daray in dadka reer Somaliland yihiin dad wanaagsan oo og wixii dhibaato ku soo dhacay, haddana ogol in loo taliyo, oo u hogaansan sharciga iyo dawladnimada, laakiin haddii ay waayaan madaxdii ku haboonayd aanu ficilkoodu meelna gaadhayn, sidaa awgeed waxa loo baahanyahay in dadka lagu wacyi-geliyo inay madax wanaagsan oo hogaamisa doortaan. Dadka hogaanka qabanayana waxa loo baahanyahay inay si wanaagsan oo dadka u cuntanta ay u hogaamiyaan, isla markaana wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan loo baahanyahay inay si nabadgelyo ah codkooda u dhiibtaan oo ay codeeyaan, oo si xor ah u siiyaan ciday doonaan. Dr. Axmed isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray in axsaabta tartamaysana loo baahanyahay inaanay lumin oo ay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay ka soo baxaan doorka ay leeyihiin, maadaama ay soo dhamaysteen campaign-koodii iyo halgankoodii.

Waxa iyaduna lagama maarmaan ah sida uu sheegay Axmed inay doorashadu u dhacdo si xalaal ah haddii kale ay dhibaato weyn u leedahay Somaliland “waa laga yaabaa inay dhacaan waxyaabo yaryari oo ay keento aqoon darro, ama tabar darro, laakiin waa inaanay waxaasi waxba ka bedelin natiijadda doorashada, balse waxaan kula talinayaa axsaabta inay iska ilaaliyaan dhibaato weyn oo ikhtiyaarka ay dadku sameeyeen ee natiijadda doorashada wax ka bedeli karta” ayuu yidhi.

Isaga oo ka hadlayey siyaasadda dibbada waxa uu sheegay inay haatan meel fiican marayso arrinta Somaliland loona baahanyahay in loo guntado sidii halkaa looga sii wadi lahaa, dawlad iyo shiciba.

Ka dib waxa ay weriyayaashu weydiiyeen dhawr su’aalood oo ay ka mid yihiin sida uu arko siyaasadda dibada ee Somaliland waxa uu sheegay in dhibaatadda Somaliland tahay iyadoo aan caalamka iska iibin marka laga reebo dedaalka dadka dibadda oo wax badan dunida ka dhaadhiciyey, balse marka loo eego dedaalka dadka dibadda waxa uu sheegay inuu rajo fiican qabo.

Dr. Axmed oo la weydiiyey arrimaha ugu waaweyn ee gudaha ka jira waxa uu sheegay inay ta ugu weyni tahay nidaamka xukunka oo aad u liitay, in badana liita, laakiin haddii ay maanta dadku ikhtiyaarkoodii yeesheen waxa uu ku booriyey inay la soo baxaan ciddii si fiican u hogaamin lahayd.

Iyada oo la weydiiyey sida uu u arko isbedel dalka ka dhaca waxa uu sheegay inaanay dadku isbedelka jeclayn, laakiin waxa lagama maarmaan ah in la helo isbedel maadaama aynu ku soo jirnay nidaam darro, waa inaynaan ku sii socon, ayuu yidhi Dr. Axmed, iyada oo la weydiiyey musharaxiinta ka ugu haboon ee maanta wax qaban kara waxa uu yidhi “Waxa laga yaabaa in dadku is-leeyihiin waa aqoon yahan oo su’aashaas oo kale toos uga jawaabi maayo, laakiin waa kuu doqoniimo inaad ka leex-leexato maaha, markaa aniga oo aan dhinac-na u hadlayn madaxweyne Rayaale nin cusub maaha, in badan ayuu madaxweyne ku xigeen soo ahaa maantana waa madaxweyne wuxuuna ka mid ahaa nidaamkaa aan dhaliilayey, markaa xukuumadda iyo UDUB waan soo arkay waxqabadkoodii intan dambana waxa igaga filan wasiiradda badan ee ay xukuumaddu magacwday, waana nidaam darro soo korodhay, musharaxiisana halkaasaan ku dhaafayaa Laakiin labada xisbi ee kale KULMIYE iyo UCID hogaankooda aad ayaan ugu hanweynahay markaa marka aan miisaamay saddexda xisbi ee aan dhan walba ka eegay waxa ugu haboon KULMIYE aniguna Axmed ahaan waxaan ku kalsoonahay KULMIYE oo aan taageeradaydana siinayaa, dadka asaxaabtayda ahna waxaan ku dhiirinayaa inay xisbigaa taageeraan,” ayuu yidhi Dr. Axmed Xuseen.

Top


Xusuusta hawl-Galkii Bir-jeex.

Shalay oo ay bisha Abril ahayd 12 waxay ahayd sannad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay markii ay 11 nin oo dagaalyahan hubaysan ah oo iska abaabulay gudaha Hargeysa ay rugtii saraakiisha ee ciidamadii qaybta 26aad ee dawladdii Siyaad Barre xoog kagala baxeen Muj: C/laahi Askar oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee ururka SNM oo ay ciidamadii qaybta 26aad gacanta ku dhigeen isaga oo hawl-gal ka wada gudaha magaalada Hargeysa, laakiin ay kooxdaas oo uu taliye ka ahaa Co: Ibraahin Ismaaciil (Kood-buur), taliye-xigeenna uu ka ahaa Cabdi Ciid waxay CoL: C/laahi Askar xoog kagala baxeen rugta saraakiisha, sidaas ayeyna kaga bad-baadiyeen gawracii uu u xidhnaa.

Hadaba sheekadaas oo aanu idiinku talo galay inaanu idiin soo gud-bino waxa noo saamixi wayday duruufta qoraalka, iyadoo lagu jiro hawsha culus ee doorashada, laakiin waxaanu idiin soo gud-bin doonaa maalmaha doorashada ka dambeeya.

Top


Shaybaadhka Xeel-dheere: Xayiraadda Abaaddey Iyo Go’aanada maxkamadaha ee Isku Cayn Iyo Beyd Go’an.

7-dii bishii March, 2001 ayaa xayiraad lagu soo ragay Shaybaadhka la yidhaahdo Xeel-dheere oo ku yaal magaalada Hargeysa, waxaana shaybaadhkaa markii u horaysay lagu xayiray go’aan ka soo baxay maxkamadda gobolka Hargeysa, ka dib markii uu soo baxay muran ka dhex-oogmay xubno ku shuraakoobay lahaanshaha hantiyeed ee shaybaadhkaa, waxayna dacwaddani gaadhay dhammaan maxkamadaha dalka ka jira, laakiin ilaa hadda dacwaddaasi dhinac uma dhicin, isla markaana shaybaadhka Xeel-dheere ilaa hadda wuu xayiran yahay, iyadoo uu shaybaadhkaasi xayiran yahay inka badan 25 bilood, isla markaana waxay maxkamadaha dalku arintaa ka soo saareen inka badan 10 go’aan oo isku cayn iyo bayd go’an, taas oo keentay inay xaaladda shaybaadhkaasi sii murugto mar-ba marka ka dambaysa.

“Taliyaha saldhigga booliska New Hargeysa waxa la farayaa inuu xayiro Shaybaadhka ilaa amar dambe laga helo maxkamadda gobolka Hargeysa”, sidaa waxa tidhi maxkamadda gobolka Hargeysa oo 7-dii Bishii March 2001 go’aan xayiraad saartay Shaybaadhka Xeel-dheere, laakiin go’aanka maxkamadda kuma cadda cidda loo xayiray, sidoo kale waxa loo cuskaday qoddobka 302 ee XHC (xeerka habka ciqaabka), laakiin dacwaddu waa madani sida ku cad go’aamada qaarkood, isla markaana go’aanka maxkamadda kuma cadda ujeedada xayiraaddu. Ta kale waraaqda maxkamadda waxa saldhigga booliska soo gaadhsiiyey taliye-xigeenka qaybta booliska Hargeysa sida ku saxeexan oogada waraaqda, isagaana taliyahani fuliyey amarkan maroorku ka muuqdo. Hase yeeshee 10-kii isla bishii March 2001 ayey maxkamadda racfaanka Hargeysa arintana ka soo saartay qaraar, iyadoo qaraarkeeda ku xustay inuu racfaan u soo qortay Axmed Muuse X. Cabdi, halka ay dhinaca kalena ka kooban yihiin saddex xubnood oo kale ah, Dr. Xuseen Muxumad Maxamed, Maxamed Iid Dhimbiil iyo Maxamed Xasan, waxayna maxkamaddu qaraarkeeda ku tidhi “ Maxkamaddu waxay burisay amarka xayiraadda Shaybaadhka ee maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo uu dhinaca danaynaysaa dacwad madani ah ka furan kara maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwadda.”

Maxkamadda racfaanku waxay qaraarkeeda u cuskatay qoddobada kala ah, 221, 295 iyo 296 XHM (Xeerka habka madaniga), halka ay maxkamadda hore ee gobolku go’aankeeda u cuskatay xeer ciqaabeed. Hase yeeshee Qaraarkii ka soo baxay maxkamadda racfaanka waxa ganafka ku dhuftay taliyaha saldhigga booliska New Hargeysa, wuxuuna yidhi “Waxaanu maxkamadda racfaanka la socod siinaynaa inuu shaybaadhkaasi u xayiran yahay amar uu bixiyey taliye-xigeenka qaybta booliska Hargeysa, isaga oo tixgelinaya nabadgelyada awgeed”. sidaa ayuuna ku diiday amarkii maxkamadda racfaanka.

Hase yeeshee dacwaddu way sii socotay, waxayna gaadhay maxkamadda sare ee Hargeysa, waxayna 12-kii bishii March 2001soo saartay qaraar ay ku burinayso qaraarkii xayiraad ka qaadidda ee maxkamadda racfaanka, iyadoo amartay inuu shaybaadhku sidiisii u xayirnaado, laakiin maxkamadda sare waxay qoraalkeeda mar ku sheegtay qaraar, marna waxay ku sheegtay go’aaan, waxayna tidhi “Go’aanku wuxuu joojiyey qaraarka ay maxkamadda racfaanku ku baabi’isay qaraarka maxkamadda gobolka Hargeysa ku xayirtay shaybaadhka xeel-dheere ee ay xubnaha lihi isku haystaan, waxaana la farayaa gudoomiyaha maxkamadda racfaanka inuu si degdeg ah u soo gud-biyo galka dacwaddan”ayuu qoraalkiisa ku yidhi gudoomiyaha maxkamadda sare oo markaa ahaa Cismaan Shunuu, laakiin sida ku cad qoraalka gudoomiyaha maxkamadda sare isaga oo aan arag galkii dacwadda, isla markaana aan dhegaysan dhinacyada dacwiyaya ayuu go’aan iska gaadhay, sidaa lama garanayo waxa uu gudoomiyaha maxkamadda sare go’aankiisa cuskiyey.

Laakiin mar labaad ayey maxkamadda sare arintan qaraar ka soo saartay, waxayna adkaysay xayiraaddii, isla markaana waxay dacwadda dib ugu celisay maxkamaddii gobolka, iyadoo tidhi “Waxa la farayaa gudoomiyaha maxkamadda sare inuu si degdeg ah u gudo galo nuxurka dacwadda.”

Inkasta oo ay amaradii hore ee maxkamadaha ku xusnaayeen dhinac saddex qof ka kooban, laakiin sida ku cad arji dacwad oo maxkamadda loo gudbiyey 7-dii bishii March 2000 waxa dhinacyadu ka kooban yihiin Maxamed Iid Dhimbiil iyo Dr. Xuseen Muxumed Maxamed oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Axmed Muuse X. Cabdi. Laakiin Maxamed Iid Dhimbiil iyo Dr. Xuseen Muxumed waxay qoraalkoodan ku sheegeen inay shaybaadhka Xeel-dheere geliyeen hanti dhan16, 547.56 Dolar, lacagtaas oo ay sheegeen inay badideeda soo amaahdeen, isla markaana waxay intaa ku dareen inay iyagu yihiin hantiilayaasha Shaybaadhka Xeel-dheere, hase yeeshee sida ku cad xeer hoosaadkii lagu aasaasay shaybaadhka Xeel-dheere waxa ku cad inay Shaybaadhka Xeel-dheere waxa leeyihiin shan xubnood oo kala ah: Maxamed Iid Dhimbiil, Dr. Ismaaciil X.Ibraahin, Maxamed Xasan Xaashi, Dr Xuseen Maxamed iyo Axmed Muuse X. Cabdi, isla markaana waxa xeerkan ku cad inay hantida guud ee shirkadda tahay dhan tahay 16,547.56 U.S-doolar, hantidaasna uu nin waliba 20% leeyahay.

Arintu waxay socotaba 27-kii Bishii Juun, 2002 ayey maxkamadda racfaanka Hargeysa mar kale go’aan ka soo saartay arinta, waxayna, waxayna burisay go’aankii maxkamadda gobolka Hargeysa ee ahaa MGH/DML/26/2001, waxayna maxkamadda racfaanku amartay in dacwadda dib loogu celiyo maxkamadda gobolka Hargeysa si dib loogu dhegaysto, iyadoo ay maxkamaddu go’aankeedu ku xustay qalad muddo soo socday, kaas oo ah iyadoo aan dacwadda mudada intaa le’eg soo socotay mar qudha laga qayb gelin laba nin oo xubno ka ah lahaanshaha shaybaadhka Xeel-dheere, kuwaas oo kala ah Maxamed Xasan Xaashi iyo Ismaaciil X. Ibraahin. Sidoo kale maxkamadda sare ayaa iyaduna ayiday go’aanka maxkamadda racfaanka ee sheegaya in dacwadda dib loogu celiyo maxkamadda gobolka Hargeysa, sidaana waxay maxkamadda sare ku sheegtay go’aan ay soo saartay 5-tii Bishii Febarweri 2003, iyadoo ay sida muuqatay ay dacwaddu hadda taagan tahay halkii ay taagnayd bilowgii.

Laakiin taasna waxa ugu wacan qaladaad sharci oo ay maxkamadaha arintana xukunka ka gaadhayey mar ku jireen, waxaana ka mid ah maxkamaduhu mar qudha ma cuskan sharciga ay dhigteen nimanka wax ka dhexeeyaan, sidoo kale mar qudha ma cadayn cidda ay meheraddu u xayiran tahay, sidoo kale maxkamadda sare mar qudha go’aamadeeda ama qaraaradeeda ma soo raacin wax fulin ah. Waxa kale oo ka mid ah qaladaadka dhacay garsoore laba goor qaaday dacwad racfaan laga qaatay, sida garsoore Cabdi Cilmi Xasan oo 10-kii bishii March 2001 dacwaddan galay, dacwadaasna racfaan ayaa laga qaatay, laakiin isla garsoorihii racfaanka laga qaatay oo ah Cabdi Cilmi Xasan ayaa isla dacwaddii mar kale qaaday 27-kii Juun, 2002.
Waxa kale oo qoraalada dacwadan ka muuqda dhinac saddexaad oo si dad-ban uga qayb qaadanaya falgalada dacwadan, sidoo kale waxa meesha ka muuqda khasaare ka badan hantida ay dhinacyada qaar ku dacwoonayaan in la lunsaday oo ah 5000 U.S-doolar, waayo sida ku cad xisaab-xidh ay maamulayaasha Xeel-dheere sameeyeen bishii Juun 2000 waxa uu shaybaadhku bishii soo saarayey inka badan 3500 U. S-dolar.

Top


Gobolka Sool miyaa Laga Reebay Doorashada Madaxtinimada?

Hargeysa (Haatuf): Inkasta oo aanay guddiga doorashooyinku ilaa hadda wax go’aan ah ka soo saarin, hadana waxa soo baxay bidhaamo muujinaya in gobolka Sool laga reebay doorashada madaxtinimada.

Guddiga doorashooyinka marar dhawr ah oo aanu waydiinay bal inay doorashadu ka dhacayso gobolka Sool iyo inkale waxay ku jawaabeen “gobolka Sool go’aan waanu ka gaadhnay, waxaanuna ka soo saaraynaa war”, laakiin iyadoo berito loo dareeriyo cod-bixintii doorashada guddiga doorashadu ilaa hadda may kala caddayn inuu gobolka Sool doorashada ka qayb gelayo iyo inkale.

Hase yeeshee xubno reer Sool oo ku sugan gobolka Sool, kana mid ah kooxihii gobolka ka waday qal-qaalada ayaa sheegay inay hayaan war sheegaya inay guddiga doorashooyinka gobolka Sool ka reebeen doorashada, iyaga oo marmarsiinyo uga dhigtay inaanay gobolkaa doorasho ka dhici karayn.

“Gobolka doorasho way ka dhici karaysaa diyaarna waa loo ahaa, laakiin komishanka ayaan doonayn inay ka dhacdo iyaga oo muraad kale ka leh”, sidaa waxa yidhi Cali Maxamed (Cali Sandule) oo ka tirsan xisbiga UDUB, iminkana ku sugan gobolka Sool.

Yaasiin Maxamud Xiir oo isna ka mid ah wasiiru-dawlayaashii uu dhowaan madaxweyne Rayaale u magacaabay gobolada bariga ayaa isna mar uu xalay cawaysinkii wargeyska Haatuf la soo xidhiidhay muujiyey walaaca uu ka qabo ku qorshaha guddiga doorashada ee ah inaanay doorashadu ka dhacayn gobolka Sool, wuxuuna yidhi, “Waxaad moodaa inay Komishanku ixtiraameen dacaayado ay xisbiyada qaar noo sameeyeen raggayagii dhowaan la magacaabay ee wasiirada ahaa, laakiin waxay naga gelayaan dembi weyn oo aanaan ka hadhi doonin, waayo waxay luminayaan wax aanu xaq u leenahay oo ah xaqii aanu u lahayn inaanu doorashada ka qayb galno.”

Qolyaha reer Sool ee Laas-caanood nagala soo xidhiidhay mar aanu waydiinay ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf oo ay isu abaabuleen inay doorashada hor-joogsadaan waxay sheegeen inaanay jirin ciidamo Puntland ah oo doorasho horjoogsan karaa. “Ciidamada la sheegayaa ma aha wax cid waxyeelayn kara ama wax doorasho horjoogsan kara “ayey yidhaahdeen, waxayna guddiga doorashooyinka go’aankooda caynkaas ah cid ugu danaynayaan oo aanay ahayn kuwo dhex u ah xisbiyada, iyaga oo intaa ku daray “Waa inaan dadka reer Somaliland loo aqoonsan dad kala nooc nooc ama kala qolo-qolo ah.”

“Anagu waxaanu doonaynaa inay gobolka doorasho ka dhacdo oo uu ninka Madaxweynaha noqonayaa gobolada oo dhan codad ka wada helo si uu dadka madaxweyne ugu wada noqdo, balse ciddii doontaa ha soo baxdee ma kala jeclin”, sidaana waxa yidhi C/qaadir Indho oo ka mid ah mudanayaasha beesha Sool kaga jira baarlamaanka Somaliland.

Dhinaca kalena warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay in labadii caano-maal ee u dambeeyey ay dood weyni ka taagnayd arinta gobolka Sool, doodaas oo ku saabsan sida laga yeelayo arinta gobolka Soo, iyadoo sida ay wararku leeyihiin ay guddiga doorashooyinku ku andacoonayaan inaanay gobolka Sool doorasho ka dhici karin sidaa darteed laga reebo doorashada.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhawro Rabitaanka Ummadda.

Iyada oo isbedbedelka mawqif ee kala jaad-jaadka ah ee ay sameynayaan Madaxda xisbiyada siyaasiga ah qaarkood laga qaadankaro sawir aysicad ugamuuqanayso danaysi kaltinimo oo aad uxirfadaysan ayaan hadana Qudbadsanadeedkii madaxwayne Rayaale ka Jeediyay Golaha barlamaanka ay mujisay Niyadjab xoogle oo ah dhinaca rajada isbadal laga filayay inuu dalkan kadhaco Hadaba iyadoo marka hore aan an fuulayn cidgaara iyo aan is waydiino dhowrkan su’aalood :

1-Dibadi haba joogtee heerkeebay maraysaa siyaasada Arimaha Gudaha ee Dalku xiligan Doorashooyinka?

2-Awood darada Qabashada G.Barlamanka ee uu sheegay madaxwane Rayaale Dareen guud oo soo taxnaa ilaa 3dii bilood ee ugu dambeeyay baa mise waa mid lagu baraarugay Qudbad sanadeedkii madaxwayne Rayaale.

3-Waa tuma gudida samaysay (Research) baadhis ku saabsan suuro gal noqoshada Baarlamaanka haba noqoto (Gudidaasi) G/xukuumada ‘e mise madaxwaynaha ayuunbaa kaligii gartay. Waxay maraysaa siyaasada dalku meel iyo heer aan ubahnayn sharax farabadan oo uu arki karo muwaadinkasta oo danaynaya jamhuuriyadan da’ dayar hadaynu soo qaadano Tusaale -yar sida inay dalka ku suganyihiin ciidamo hubaysan iyo maamulkoodii (Cade Muuse) oo sheegtay inuu kasoo horjeedo maamul gaboleedka majeerteniya ee C/laahi Yuusuf hogaamiyo.

Si cad u sheegin mawqifkooda iyo nooca heshiiska dhexmaray Cade muuse iyo maleedhiyadiisa lagaba yaabo in aanay Aqoonsanyn Gooni isutaga Jamhuuriyadan iyo Xuduudaheeda sharciga ah’ balse waabay dafirtay xukuumadu. Joogitaankooda, hoos udhaca xidhiidhaka labada dal ee aynu jaarka nahay (Ethiopa, &Djibouti) oo kasiidaraya xataa inaga oo galayna wakhti adagn oo Doorasho oo aynu ubaahanahay amaanka xuduudaha iyo wixii la xidhiidha oo aan odhankarna waxay Ethiopia u muuqataaba doorashadan inagu soofooleh inay uga xiiso badanayd dorashadii hore ee dastuurka tasina ay kamarag kacayso heerka hoos udhaca derisnimada iyo xidhiidhka siyaasiga awelba.

Waxaan odhan karaa maya maaha dareen soo taxnaa intii mudo ah oo maynan maqal cabashooyin haba yaraadeene kaasoo yeedhayay hay, adaha ku shaqada lahaa diyaarita iyo qabashada hawshan golaha barlamaanka markaa waxay u egtahay in dawlada la dhisayaa ama lasoo dooranayaa ay yeelato gole barlamaan oo aan waafaqsanayn dawlada lasoo dortay islamarkaana aan awood badan ku yeelan doonan cusub iyo fulinta qorsha yaasheeda maamul xaqiiqdii su’aashan iyo jawaabteeduba waxay utaalay oo ku quruxbadnaan lahayd inay dhexamarto madxwayne Rayaale iyo golayaasha uu ka hor akhriyay khudbadii sanadka oo run ahaan saamay aan la jeclaysan ku yeelatay siyaasada dalka iyo hamada isbadalka mustaqbalka ee bulshada waxaan aragti ahaan arintan aad ugu dhaliilayaa golayaasha laftooda waa barlamaanka iyo Guurtida’e, oo sidaan filayo ama u muuqatoba iska iloobay ama xil badan iska saarin shaqaday ummada ay u hayeen oo ahayd inay wakiil uga ahaayeen xukuumada balse run ahaantii aan ka qaadan kaalintii looga baahnaa talabadan xukuumadu soo jeedisay laakiin noqoday qaar diirsaday sii joogidooda aqalkaa, haddaba inkasta aanu yarayn dadaalka dalkan iyo dadkaniba hadana waxay ila tahay hadana in xukuumad iyo gole wakiil ummadeedba ay garab mareen wixii xaqa ummadu ugu lahayd maanta tabcaan nimad bulshada looga faa’iidaysanaayo ku takri-falka hantidii ummadda iyo tixgalin la’aanta rabitaankooda.

Ugu danbayn waxan soo jeedin lahaa inay ummaadu rabitaanka dhan kastaba lahe kaga bixi karto iyadoo meel uga soo wada jeedsata muujinta rabitaankeeda iyo ka gilgilashada maamulada ku dhisan musuqa qaawan iyo beenta dhagaha iyo indhaha looga duweyn.

Mustafe Aadan Nuur, Hargeysa.

Top


GARTA XEER-BEEGTI.

Ninka garnaqasanayaa waa inuu hadalkiisa dhaabadeeyaa, waxna u cuskadaa ama si kale hadii aynu u nidhaahno ninku hadii aanu hadalkiisa lafayn (Rugayn) oo aanu markhaati ooggan ama odhan rugtaasaan arinta ka fadhiyaa ama aanu odhan weedho ay ka mid yihiin “garta hadii aanu waayo waan waayey, hadiise ay wax ii cadaadaan waan doonayaa (Waan u fadhiyaa) arintaasi waxa ay leedahay”, markaa hadii aanu ninka hadalkiisu siyaalahaa u dhicin waxa uu noqonayaa sheeko.

Ta kale marka la garamayo ama la dacwiyayo garta dhaqankeedu waxa weeye “Carrab eegato”, taas oo macneheedu yahay wixii uu ninku ku hadloodo ama afkiisa ka yidhaahdo ayuun baa wax loogu qabanayaa ama loogu gar-qaadayaa oo tusaale ahaan hadii aanad afkaaga ka odhan markhaati baan haystaa, guddidu markhaati kuma waydiin karto, isla markaana hadii adiga oo aan markhaati ooggan ay guddigu markhaati ku waydiiso taasi waxay noqonaysaa Eexasho. Sidoo kale xataa wallaha aan golihiisa joogin laguma gashi baxo oo masalan hadii uu nin kuu yimaaddo oo uu ku yidhaahdo walaahay hebel waxaas ayuu igu sameeyey , wallahaasi ma noqonayo mid lagu gashi baxo, ninka kalena kuma qaamoobo.

Waxa kale oo jirta wax la yidhaahdo “Daawo loo aamusay”, taas oo tusaale ahaan hadii ay dhawr nin oo ilmaadeer ah ama saaxiib ah oo mid ka mid ahi qof kale iska maago oo ay ilma-adeeradii ama saaxiibadii la hadli waayaan oo odhan waayaan maxaad ninka u maagaysaa waxay loo qaadanayaa wada qabasho dad-ban, Somaliduna waxay tidhaahdaa “Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan waydo.”

Waxa kale oo xikmadaha Somalidu ku maahmaahdo ka mid ah “Inta guudka lihi amaano dumar ma gasho”, taas oo macneheedu yahay ama sida dhaqanku yahay inta guudka leh xaaskaaga laguuguma dhiibi karo.

Inta guudka leh waxa ka mid ah Faraska, sidaa darteed Faraska dumarku ma layl-yaan, ma fuulaan, kuma dagaalamaan, sidaa darteedna farasku ma galo amaano dumar.

Qoriga ayaa isna ka mid ah inta guudka leh, sidaa darteed qorigu amaano dumar ma galo.

Marka Awrka Raray-ga ah laga reebo geela intiisa kale ayaa isna ka mid ah inta guudka leh, sidaa darteedna ma galo amaano dumar.

Sidoo kale gabadhaada (Xaaska) oo dud-mo laga soo celiyey laguuguma dhiibi karo gabadhaada kale ee aad qabto.

Waxa kale oo jirta wax la yidhaahdo Ergo, laakiin Ergadu waxay u qaybsantaa mid la ajiibo (La yeelo) iyo mid la diido oo la yidhaahdo”waxa aad wadataan gar iyo garow toona kama ogolin”, iyadoo ay Ergadu tahay dad si toos ah ugu taga cid ay wax u sheeganayaan oo yidhaahda waxaas iyo waxaas ayaa nagaga kiin maqan ee waxaanu ergo islaameed idiinka nahay inaad na siisaan ama waxa kale oo ay noqonaysaa qolo cid wax tirsanaysa ka socota oo qolada wax laga tirsanayo gaadhsiisa fariin ay leedahay waar waxaas ayaa la idinka tirsanayaaye maxaad ka leedihiin, ka dibna wixii ay ku yidhaahdaan soo celiya, waxaana loo kala ergeeyaa laba qolo oo aan isu tegi karin oo ay colaadi dhextaal.

Waxaa kale oo jira wax la yidhaahdo “Dhoweeye”, ereyga dhoweeye waxa weeye nin arinta wax ka qabashadeeda laga leeyahay, laakiin gud-binteeda leh, kaas oo gaadhsiiya cidda wax ka qabashadeeda leh. Sidoo kale waxa jira dhameeye, kaas oo ah ninka arinta wax ka qabashadeeda leh ee aanay jirin cid kale oo uu isaga riixaa ama cid arinta ka leh oo uu isu dhaafiyaa.

Somalidu ergada waxay ka bixisay maahmaamo iyo odhaaho badan, sida “Ergo wixii La farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa”.

Top


Jilbo-dhiig.

Biixi waxa uu yimi Hargeysa, laakiin Hargeysa imaatinka Hargeysa laftiisu ma ahayn mid uu ku hadimo iyo dhibaato belay, waayo ka taagnaa dhibaatooyin siyaasadeed iyo cadaadis dadka haystay, waxayna Biixi iyo rakaabkii kale ee la socday markii u horaysay-ba baadhitaan adag lagu sameeyey baabuurkii ay saarnaayeen, taas oo dhawr\ habeen ay dadkii rakaabka ahaa ku dib-jireen koontaroolka magaalada laga soo galo, balse waa la sii daayey oo nabadgelyo ayey magaalada ku galeen.

Biixi waxa uu dalkii ku soo guryo noqday xili uu ka socdo olole milateri oo xoog lihi, isla markaana ay ka jiraan duruufo badan oo nololeed, sida Shaqo la’aan, cabsi badan iyo dhibaatooyin kale, sidoo kale waxa meel cidhiidhyoon galay xoriyatul-qawlka oo waxa badnayd “Car juuq dheh”.

Biixi maalmo ayuu xagii miyiga u baxay oo reerkoodii soo booqday, ka dibna markii uu maalmo la soo joogay ayuu ku soo noqday magaalada Hargeysa, dabadeedna markii uu muddo joogay, isla markaana aanu wax shaqo ah weli helin, aadna ula qabsan ayuu qarxay dagaalkii 1988-kii markii ay ciidamadii SNM weerarada ku soo qaadeen magaalooyinka waaweyn ee goboladii waqooyiga Somaliya la odhan jiray, taas oo ay ciidamadiid dawladdii Siyaad Barrena kaga jawaabeen duqayn cir iyo dhul-ba leh, taasina waxay galaafatay nafo badan oo rayid aan is difaaci karin ah, isla markaana dadkii shicibka ahaa wixii aanay xabbaddu haleelin way ka firxadeen magaalooyinka, waxayna marka laga reebo dhalinyaro badan oo inta ay hubka qaadatay ku biirtay dagaalyahankii SNM ee dagaalka ku jiray intoodii badnayd waxay xeryo qaxooti ka galeen dalka Itoobiya, iyadoo ay ubad iyo alaab wixii ay tuurtu u qaadi karaysay la lugeeyey, kuwaas oo waxoodii xabbadda ka samata-baxay ay harraad iyo gaajo maalmo badan la luuluufeen.

Laakiin Biixi isagu markiiba degdeg ugama bixin magaalada ee muddo ayuu ku sugnaa, balse maalmo yar ka dib magaaladii Hargeysa waxay isu bedeshay kharaabado iyo meel meel madow oo aanu haba yaraatee wax iftiin nololeed ahi ka baxayn, waxay noqotay goobataal iyo guryo ba’ay, waxay noqotay goob colaadeed iyo gellen-gel madhan. Dabadeedna Biixi maalintii dambe ayuu isaga oo dhuumaalaysanaya meel luuq ka mid ah suuqyadii burburay ee Hargeysa waxa uu la kulmay dhawr ka mid ah asxaabtii dhalinyarada ahayd ee ay is yaqaaneen, balse ay muddo hore isugu dambaysay, dabadeedna way isku naxeen “alla waa hebel iyo waa hebel”ayey is dhaafsadeen, laakiin markii ay sheekaysteen ayey nimankii Biixi u sheegeen inay qorshaynayaan inay xagaa iyo dalka Yamen u baxaan si ay uga sii baxaan, ka dibna Biixi wuxuu markiiba yidhi “waar waan idin raacayaa”, ka dibna waa la is raacay, waxayna Hargeysa uga baxeen dhinaca xeebta Jabuuti.

Biixi wax aduun ah wuxuu haystaa inyar oo lacag ah oo aan ka badnayn xaqal-masruuf maalmo ah, dabadeedna inta uu waxoogaagiisii yaraa jaxaastay oo guntiga geliyey ayuu saaxiibadii raacay. Laakiin saaxiibadiisii kale ayaa ka jeeb roonaa, sidaa darteed intii ay sii ay jidka ku sii jireen waxa Biixi masruufayey saaxiibadii, iyaga oo ku yidhi “Saaxiib waxba ma kala lihin ee marba wixii aynu hayno ayeynu wada cunaynaa.”

Biixi iyo saaxiibadii waxay socdaan-ba waxay laba toddobaad ka dib tageen xeebaha Jabuuti, gaar ahaan degaamada danaakilada, halkaas ayey goor saq-badh habeenimo ah ka raaceen Dooni dadka tahriibisa, waxayna afka la saartay xagaa iyo Yamen.

Inkasta oo ay Biixi saaxiibadii masruufayeen intii ay beriga marayeen, laakiin waxay arintu is bedeshay markii ay Doonta guudkeeda u baxeen, markaas oo uu Biixina waxoogaagii yaraa ee uu hayey nooligii Doonta iskaga bixiyey, waxna aanay uga soo hadhin, balse ninkii Biixi markii uu waxoogaagii yaraa bixiyey ayey nimankii saaxiibadii dhabarka u soo jeediyeen, dabadeedna markii uu ku yidhi “Waaryadheheen saaxiibayaal anigu waxoogaagii yaraa ee aan hayey waxay noqdeen noolkii Doonta’e maxaad haysaan”, waxayse ugu jawaabeen “Waar anagu waanu isku filanahaye, adigu isku filow, ileyn waxba isuguma keen jireene”.

Ka dibna ninkii Biixi hadalkaasi waxa uu ku noqday afkala-qaad iyo amakaag, dabadeedna intuu yara samri waayey ayuu mar kale ku yidhi “Waar saaxiibayaal maxaa dhacay”, waxayse hadana ugu jawaabeen “Adeer waxba ma dhicine hadii aanu ku nidhi is deber ma ceeb baa, ileyn xoolo noomaad dhiibane”, ayaa lagu yidhi, iyadoo weliba huruuf loo raaciyey. Ka dibna markii ay arintu halkaa maraysay juuq dambe kama odhan ee afkiisa ayuu xidhay. Hase yeeshee gabadh Saynab la yidhaahdo oo ka mid ah rakaabta doonta, sheekadana goorahan-ba la socotay ayaa aragtay inuu Biixi yahay nin jeebku ka xun yahay oo dani hayso, sidaa darteed Saynab inkasta oo aanay iyada iyo Biixi wax aqoon isu lahayn, hadana waxay damqatay , waxayna ku tidhi “Waar waxba ha werwerin wax baynu wada qabaynaaye”, Saynab-na waxoogaa lacag ah oo buurran ayey guntiga ku haysaa.

Doontu waxay ahayd mid gabowday oo aad u itaal darran, isla markaana maadaama ay tahay Doon wax kootarabaaninaysa oo dhuumaalaysi ku jirta dhawr habeen ayey biyaha badda cas ku sii jirtay, laakiin waxa kale oo intaa u sii raacay maalintii dambe markii ay xeebaha Yamenta ku sii dhowayd ayey ilaalada ciidamada ilaalada xeebaha ee Yamentu arkeen Doontaa koontarabaanka ah ee badda ku soo jirta, wayna eryadeen, ka dibna badweyntii ay ka timi ayey dib ugu carartay, waxayna afka saartay badweyn cidla ah oo ay markii hore ka soo leexatay, laakiin maadaama ay ahayd Dooni gabowday oo ay awoodeedu yar tahay waxay iska xejin wayday mawjadihii badweynta, isla markaana waxa ku sii kacay duufaano iyo dabaylo xoog leh, kuwaas oo mar-ba dhinaca ay doonaan u kaxaystay doonidii, isla markaana jihadii ay socotay jihayn aan ahayn ayey afka saartay.

La soco cadadka dambe.

Top