Maxkamadda sare Somaliland ma ka bad-baadin doontaa murran siyaasadeed,
M/Amiin Jibriil.
Xamaasadda Ka Dhex Aloosan Taageerayaasha Xisbiyada KULMIYE
Iyo UDUB Iyo Waxyaalihii U Dambeeyay, “Anigu Ma odhan Madaxweyne Ma Geyno,
Laakiin…” Ibraahim Magan - Boorama.
Saddexda Xisbi Mid-Ba Sidee Loo Arkaa.
Shir-Gudoonada Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Iska Leexiyay
Eedaymo Uu Xisbiga KULMIYE U Jeediyay, “Annaga waxa noo yimi Cabasho xoogleh
oo ka timi xisbiga UDUB…”
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan
Caaro-dhuub, Q:26aad.
ODHAAHDA AKHRISTAHA, Guul Iyo Guuldarro-ba Xaaladdan Maxaa
Haboon?
Natiijadii Commissionka, Udub Iyo Jahawareerkii Kulmiye.
Hanbalyo Iyo Bogaadin.
Khilaaf Ka Taagan Dhismaha Xukuumadda Reer Falastiin.
Jenaraalka Uu Maraykanku U Magacaabay Maamulka Ciraaq Oo Lagu
Wado Inuu Maanta Gaadho Baqdaad.
Islaamiyiin Lagu Xukumay.
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.
Jilbo-Dhiig.
|
|
Maxkamadda
sare Somaliland ma ka bad-baadin doontaa murran siyaasadeed, M/Amiin Jibriil.
|
14-kii Abril, 2003 ayey
dadweynaha reer Somaliland u dareereen cod-bixinta doorashada madaxweynaha
iyo madaxweyne-kuxigeenka, waxaana ku tartamay xubno siyaasiyiin ah oo ka
kala sharaxan saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, kuwaas oo kala ah
Madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka sharaxnaa
xisbiga UDUB, Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Aw-Cali oo ka sharaxnaa
xisbiga KULMIYE iyo Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxnaa xisbiga UCID.
Maalin ka dib markii ay cod-bixintii doorashadu dhamaatay waxa markiiba
soo baxay warar la xidhiidha natiijada doorashada iyo sidii ay saddexda
xisbi codadka u kala heleen, taas oo ay xisbiyada KULMIYE iyo UDUB qolo
waliba goonideeda u soo tuurtay inay hogaaminayso tirada codadka, taasina
waxay keentay jahawareer badan, iyadoo ay dadweynaha reer Somaliland si
nabadgelyo ah u codeeyeen, taasina ay tahay wax aad loogu majeertay.
Laakiin dhinaca kalena waxa mar walba soo baxayey warar sheegaya inaanay
labadan xisbi wax la sheego is dheerayn ee ay tiro ahaan aad isugu
dhowdhow yihiin.
Inkasta oo ay ilaa laba ama saddex maalmood soo baxayeen warar is-burinaya
oo mar la leeyahay UDUB baa helay, marna la leeyahay KULMIYE ayaa helay,
hadana maalintii ka horaysay maalintii lagu dhawaaqay natiijada iyo
maalintii lagu dhawaaqay natiijada gelinkeedii hore waxa soo xoogaystay
warar sheegaya inuu xisbiga KULMIYE guulastay, taas oo ay taageerayaasha
KULMIYE ka sokow ay dad badan oo kale aaminsanaayeen, laakiin waxay wax
waliba isbedeleen markii ay guddiga doorashooyinku natiijadii kama
dambaysta ahayd ku dhawaaaqeen galabnimadii Sabtida ee 19-kii Abril, 2003,
taas oo ay guddigu ku dhawaaqeen inay guushii doorashadu raacday xisbiga
dawladda ee UDUB, taasina waxay taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo dad
kaleba ku noqotay lama filaan, isla markaana madaxda xisbiga KULMIYE ayaa
markiiba natiijada lagu dhawaaqay ka bixiyey jawaab diidmo ah, iyaga oo
sheegay in tirada la is dhaaf-dhaafiyey, waxayna ilaa hadda ku
adkaysanayaan inay yihiin xisbiga guulaystay arintana aan si cadaalad ah
loo maamulin.
Waxa kale oo ay hogaamiyayaasha KULMIYE arinta wax ka saareen
shirgudoonada labada gole ee baarlamaanka (Guurtida & Wakiilada), kuwaas
oo ay sheegeen inay farogelin ku sameeyeen natiijada, isla markaana ay
saamayn ku lahaayeen go’aanka weecsamay.
Waxa kale oo maalintii shalay mudaharaadyo ka dhigay qaar ka mid ah
magaalooyinka Somaliland taageerayaasha xisbiga KULMIYE,
mudaharaadyadaasna waxay taageerayaasha KULMIYE sheegeen inay kaga
horjeedaan natiijada lagu dhawaaqay.
Sidaa awgeed maadaama uu xisbiga KULMIYE sheegay inaanu ismacayn natiijada
lagu dhawaaqay, waxa halkaa ka dhashay dareen walaac leh, taas oo ay dadku
iswaydiinayaan talaabada ay qaadan doonaan reer KULMIYE hadii ay sidaa ku
qanci waayaan. Laakiin marka laga yimaaddo kudhawaaqidda guddiga
doorashada maxkamadda sare ayaa ku dhawaaqaysa natiijada kama dambaysta,
sidaa awgeed waxa maxkamadda looga baahan yahay inay il cadaaladeed wax ku
eegto maadaama hore looga cabayo cadaalada daro, sidoo kale xisbiga
KULMIYE isna waxa la gudboon inuu ilaa intii suurta gal ixtiraamaan
go’aanka kama dambaysta ah ee ay maxkamadda ka soo saarto cabashadooda,
isla markaana ay guud ahaanba dul-qaad muujiyaan.
Dhinaca kale xisbiga UDUB oo ay hogaamiyaan raggii talada wadanka soo
hayey sagaalkii sannadood ee u dambeeyey waxa looga baahan yahay ama
waajib ku ah inay ka fogaadaan wax kasta oo xaalad abuuri kara iyo inay ka
fogaadaan wax fad-qalalo keeni kara.
Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene hadii ay reer KULMIYE ku adkaystaan
mawqifkooda ah inaanay u hogaansamayn go’aanka ka soo baxay guddiga
doorashooyinka ee natiijada doorashada waxa markaa muuqda dareen cabsiyeed
oo ah inuu meesha yimaaddo murran isa soo tara oo aakhirka murug
siyaasadeed keena, laakiin si looga bad-baado murran siyaasadeed xaaladda
sii murgiya waxa maxkamadda sare looga baahan yahay in hadii ay cabashada
xisbiga KULMIYE soo gaadho ay ku eegto daymo taxader iyo jawi cadaaladeed
xanbaarsan, iyadoo ku dedaalaysa sidii ay xaqiiqda kama dambaysta ah u
sugi lahayd, ka dibna go’aan cadaalad ah oo ay dhinacyadu ku qanci karaan
soo saarto, sidoo kale waxa iyana muhim ah in baadhitaan lagu sameeyo
cabashooyinka xisbiga KULMIYE ee uu sheegay in wax laga musuqmaasuqay.Top
Xamaasadda Ka Dhex Aloosan Taageerayaasha Xisbiyada KULMIYE Iyo UDUB
Iyo Waxyaalihii U Dambeeyay, “Anigu Ma odhan Madaxweyne Ma Geyno,
Laakiin…” Ibraahim Magan - Boorama. |
Boorame (Haatuf): Hudheelka la yidhaahdo
Kulmiye iyo guriga uu leeyahay ninka la yidhaahdo Ibraahin Magan ayaa
shalay subax waxyeelo loo geystay, ka dib markii ay dhagax tureen qaar ka
tirsan taageerayaasha xisbiga UDUB, waxayna taasi qayb ka tahay buuqyo iyo
iska hor-imaadyo xamaasad leh oo maalmahan-ba ka dhex-oognaa
taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, iyadoo ay iska
hor-imaadyadaasi socdeen laga soo bilaabo maalintii cod-bixinta doorashada
ee 14-kii bishan aynu kun jirno. Laakiin sida ay wararku sheegeen
taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa sida la sheegay hafiyey taageerayaasha
xisbiga KULMIYE, iyadoo ay taageerayaasha UDUB gobolka Awdal kaga badan
yihiin taageerayaasha xisbiga KULMIYE.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi ayaa habeen hore
dadweynaha reer Boorame, gaar ahaan taageerayaasha labada xisbi ee KULMIYE
iyo UDUB la hadlay, isaga oo ku booriyey inay xasiloonida ilaaliyaan, isla
markaana ay joojiyaan xamaasadda iyo iska hor-imaadyada dhibaatada keeni
kara.
Mulkiilaha hudheelka Kulmiye, Ibraahin Magan waxa uu ka mid yahay
taageerayaasha xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu ka mid yahay meelaha
ay taageerayaasha xisbiga UDUB bartilmaameedka ka dhigteen, laakiin
xamaasadda iyo loollanka xisbiyada ka dhexeeya ka sokow waxa kale oo ay
taageerayaasha UDUB ku eedeeyaan inuu Ibraahin Magan ku tiraabay ereyo
dheg-xumo ku ah dadka reer Boorame, balse Ibraahin isaga oo hadalada la
sheegay jawaab ka bixinaya wuxu yidhi, “Anigu waxaan ka mid ahaa raggii u
ololaynayey xisbiga KULMIYE, waxaana bartilmaameed la iiga dhigtay, iyadoo
hadalo wacyi-gelin ah oo aan ayaamihii ololaha idhi ay dad beesha
madaxweynaha ka soo jeeda si qalad ah u fasirteen, taas oo lagu doonayo in
lagu wiiqo sumcadayda.”
Laakiin Ibraahin, isaga oo tilmaamaya hadalka uu yidhi iyo sida qaldan ee
loo fasiray wuxu yidhi, “Hadalkan oo aan ka jeediyey tuulada Qulujeed
waxaan idhi markii Boorame la isugu yimi 1993-kii waxa la ina siiyey
madaxweyne-kuxigeenka, markaa hadii aynu manta doorano madaxweyne shaki
baan ka qabaa inaynu helayno iyo inkale, ka dibna hadalkaas ayey dad
ujeeddo lihi u fasireen si qaldan, taas oo la yidhi wuxu yidhi madaxweyne
ma geyno, mana jirto meel aan sidaa ku idhi, laakiin sidaa qaldan ee wax
loo fasiray waa ta keentay in waxyeelo loo geysto magacayga iyo hantidayda,
balse hadii ay sii socoto ileyn lama kala adka’e waan is difaaci doonaa,
maadaama ay shaqaalaha UDUB, ciidamada UDUB iyo maamulka UDUB waxba ka
qaban waayeen wixii dhacay”.
Iska hor-imaadyada taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE waxay
mararka qaarkood isu rogaan gacan ka hadal dhaawacyo la isugu geysto,
iyadoo ay ugu yaraan ilaa laba qof dhaawacyo soo gaadheen, ka dib markii
ay lagu weeraray toorri iyo dhagxaan.
Dhinaca kalena waxa isla shalay magaalada Hargeysa ka dhacay mudaharaad ay
ku talaabsadeen kooxo ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo
ka soo horjeeday go’aankii guddiga doorashooyinka ee ku dhawaaqidda
natiijada doorashada, laakiin mudaharaadayaasha waxay is heleen cutubyo ka
tirsan ciidanka booliska, kuwaas oo xoog ku kala dareeriyey, sidoo kale
inkasta oo aanay soo bixin warar rasmi ah oo cadanayaan, hadana waxa jira
warar u dhuundaloola xisbiga KULMIYE oo tibaaxaya in la xidh-xidhay xubno
taageerayaasha xisbiga KULMIYe, isla markaana gudoomiyaha xisbiga KULMIYE
Axmed Siilaanyo ayaa waraysi uu saxaafadda siiyey shalay ku sheegay inay
taageerayaasha xisbigiisu hatigaad iyo cagajuglayn kala kulmayaan
maamulayaasha dawladda.
Waxa kale oo iyana aad loogu dhegtaagayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE
ee magaalada Burco oo la sheegay inay dareen cadho leh ka bixiyeen
natiijadii ka soo yeedhay guddiga doorashooyinka ee sheegtay in xisbigooda
laga guulaystay, waxaana jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya inay
taageeraayasha xisbiga KULMIYE isu abaabulayaan mudaharaad balaadhan oo ay
ka aloosaan meelaha magaalooyinka ah. Laakiin ilaa hadda lama hayo warar
taa xaqiijinaya.
Dhinaca kalena waxa la isla dhexmarayaa warar sheegaya inay taageerayaasha
xisbiga KULMIYE isu diyaarinayaan xaflado iyo damaashaadyo ay ku soo
dhowaynayaan guusha xisbigooda loogu bishaareeyey, taas oo la filayo inay
dhacdo maalmaha soo socda, Waxaase wadnaha farta lagaga hayaa in markasta
oo uu yimaaddo xarakaad ay ku dhaqaaqaan taageerayaasha xisbiyada ay taasi
keeni karto isku dhacyo rabshado isu bedela oo dhibaato ka dhalato.
Top
Saddexda Xisbi Mid-Ba Sidee Loo Arkaa. |
Inkasta oo la odhan karo ma goldaloolo iyo
dhaliilo la’ayn, hadana cod-bixintii doorashadii madaxtinimada ee
Somaliland ka dhacday 14-kii Abril, 2003 waxay ahayd mid si wanaagsan u
dhacday, taas oo ay dadweynuhu u codeeyeen si nabadgelyo iyo xilkasnimo
ah.
Dhaliilaha la tibaaxay waxa ka mid ah goobo aanay muraaqibiinta xisbiyada
qaarkood saxeexin, iyadoo marka ay tirintu dhamaato sharciyan loo baahan
yahay inay xaashida goobta doorashada loogu talo galay wada saxeexaan
dhinacyada kala ah gudoomiyaha guddiga doorashada ee goobta, kormeere
guddiga sare ee doorashada ka socda iyo saddexda muraaqib ee saddexda
xisbi.
Masalan xisbiga KULMIYE ayaa goob ka mid ah goobaha codbixinta Hargeysa ku
dacwiyay in aanu saxeexin muraaqibka KULMIYE, taas oo ay arrimaha caynkaas
oo kale ah iyo qaar kale loo hakiyay ilaa 24 sanduuq. Laakiin xisbiga UDUB
ku dacwiyay in ay sanaaduuqdaa ku jiraan codad badan, sidaa darteed la
tiriyo oo aan la joojin tirintood, iyadoo sanaaduuqdaasi ay ka mid
ahaayeen Waaxda Gacan Libaax, Sabawanaag, Cadaadley iyo meelo kale.
Sidoo kale, Xisbiga UDUB ayaa cabashooyin ka keenay sanaaduuq gobolka
Togdheer ah oo ay tiradoodu gaadhay ilaa 5 sanduuq, iyagoo ku dacwooday in
muraaqibiintooda lala dagaalamay oo aanay goobta joogin, halkaasna uu ka
dhashay khilaaf sababay inay tirrinta codadku hal maalin dib u dhacdo,
laakiin aakhirkii waa la xalilay khilaafkaa.
Waxa kale oo iyana murran ka dhashay waraaqo degmada Gebilay ah oo ay
xisbiga UDUB cabasho ka bixiyeen, iyaga oo eedaynayey xisbiga KULMIYE,
sidaa darteed waxyaalahaas iyo wax la mid ah ayey wararka qaar leeyihiin
baa dib u dhigay ku dhawaaqidda natiijada doorashada, aniga oo aaminsan
inay khilaafaadkii labadii maalmood ee u dambeeyey ka taagnaa madasha
guddiga doorashooyinka ay sabab u ahaayeen xubno guddiga doorashooyinka ah
oo kala taageersanaa xisbiyada tartamaya, kuwaas oo keenay in wax la kala
jiito, taas oo ay keentay inay guddigu marba xisbiyada u soo gud-biyaan
natiijo aan dhamaystirnayn iyo warar kutidhi-kuteen ah oo odhanayey xisbi
hebel baa intaa ku hogaaminaya iyo xisbi hebel baa intaa ku hogaaminaya,
waxayna arintaasi jihowareer ku keentay taageerayaasha xisbiyada iyo guud
ahaan dadweynaha, gaar taageerayaasha UDUB iyo KULMIYE. Sidaa awgeed
taageerayaasha lagu yidhi xisbigiina ayaa guulaystay waxa marka dambe ku
adkaanaysa inay qaataan marka lagu yidhaahdo xisbigiina waa laga
guulaystay, waxaana dhibaatooyinka xisbiyadu keeneen ka mid ah
barobagaande ay gelinayaan suuqa iyo shakadaha Inter-net-ka, taasina waxay
keentay jihowareer iyo walaahow badan.
“Imisa ayeynu ku hogaaminaynaa,”ayey isku salaamayeen laba kasta oo isku
xisbi ahi, waxaana maalmaha qaar suuqyada dhexqaaday kooxo dhalinyaro ah
oo damaashaadaya oo kala taageersan KULMIYE iyo UDUB, iyadoo ay gaar ahaan
taageerayaasha xisbiga KULMIYE aad u ficiltameen, isla markaana ay marar
badan muujiyeen xamaasad xoog leh oo suuqa kicisay, arimahaasina waxay
keeneen inay guddiga doorashooyinku xisbiyada ugu baaqaan inay ka
waantoobaan xamaasadda iyo damaashaadka ay samaynayaan inta ka horaysa ku
dhawaaqidda natiijada. Waxaanse anigu billad sharaf siinayaa xisbiga UCID
oo aan isagu xamaasad iyo sawaxan marna samayn. Isla markaana uu
gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe yahay ninka ugu hadal haboon,
iyadoo dhinaca kalena uu u muuqdo inaanu aad ugu harrraadanayn kursiga.
Tusaale ahaan xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa xisbiga uu kaambaynkiisu ugu
xoogga badnaa, iyadoo ay waxyaalaha ay dad badan soo jiitay ee uu sameeyey
ay ka mid yihiin heesihiisa kaambaynka, waxayse dadka qaar xisbiga Kulmiye
ku xantaan inuu yahay xisbi ay ka go’an tahay inuu kursiga ku fadhiisto,
wax ka sokeeyana aanu ku qancayn. Sidoo kale waxa weeye xisbiga ugu afka
dheer dhinaca saxaafadda.
Xisbiga UDUB doorashadan aad baa kaambaynkiisa loo dhaliilay, waxaana taa
ugu wacan ayaa la yidhi sababo dhawr ah oo ay ka mid yihiin iyadoo ay wax
ka bedeleen hanaankoodii kaambaynka ee xiligii doorashada dawladaha hoose
iyo iyadoo wax laga bedelay madaxdii hore ee UDUB iyo ta kale dad xisbiga
afka ka ahaa oo la moodayey inay u ololaynayaan, laakiin ka ololaynayay,
iyadoo tusaale ahaan UDUB-tii reer Burco ay mar qudha ka jabtay xisbiga
UDUB, una jabtay taageerada musharaxa reer Burco, marka laga reebo qoladii
ASAD ee UDUB ku biirtay.
Ugu dambayn waxa dadweynaha reer Somaliland looga baahan yahay inay
ilaaliyaan nabadda, sidoo kale xisbiyada siyaasadda ayaa iyaga looga
baahan yahay inay nabadda iyo xasiloonida ilaaliyaan.
Top
Shir-Gudoonada Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Iska Leexiyay Eedaymo Uu
Xisbiga KULMIYE U Jeediyay, “Annaga waxa noo yimi Cabasho xoogleh oo
ka timi xisbiga UDUB…” |
Hargeysa (Haatuf): Odayaasha Shirgudoonka
labada gole ee Wakiillada iyio Guurtida, ayaa dhinac isaga riixay eed uu u
soo jeediyay xisbiga KULMIYE oo ku saabsanayd natiijadii doorashada.
Sidaana waxay ku sheegeen Shir-jaraa’id oo ay xalay fiidkii ku qabteen
xafiiska Shirgudoonka Golaha Guurtida, waxayna sheegeen in ay iyaga meesha
keentay cabasho uga timi xisbiga xukuumadda ee UDUB oo ka dacwoonayay
komishanka qaranka, sidaa awgeed ay meesha u yimaadeen in ay talo ku
darsadaan si loo dhawro nabadgelyada.
Gudoomiyaha Guurtida, Sheekh Ibraahim oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu
yidhi; “Sababta aanu u tagnay, waxay ahayd cabasho ay noo sheegteen
xisbiga UDUB oo ku saabsanayd saddex sanduuq oo ay doonayeen in loo tiriyo.”
Gudoomiye Xigeenka Golaha Wakiillada, C/qaadir Jirde oo uu Sheekh Ibraahim
ka codsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sidii ay shirgudoon ahaan ku soo
galeen hawsha natiijada ayaa sheegay in ay cabasho xoog lihi uga timi
dhinaca Xisbiga UDUB, maalin ka hor markii ay qoraal ugu sheegeen in ay ku
dhawaaqayaan subaxnimada natiijadii doorashada, wuxuuna Mudane C/qaadir
yidhi, “Annaga waxa noo timi cabasho xoog leh oo dhinaca xisbiga UDUB ah,
iyadoo komishankana maalintaa waraaqo noo keenay ay ku sheegayaan in ay
natiijada doorashada ku dhawaaqayaan subaxnimada.”
Mudane C/qaadir, wuxuu intaa ku daray in ay cabashadaasi ahayd mid ay kaga
cabanayaan xisbiga UDUB sanaaduuq badan oo ay sheegeen in si badheedh ah
loo diiday in la tiriyo, kuwii la midka ahaana la tiriyay.
Mudane C/qaadir Jirde, wuxuu intaa raaciyay markii ay cabashadaasi soo
gaadhay in ay habeenimadii u tageen Komishanka, ayna u sheegeen in ay
jirto cabashadaasi oo ahayd sanaaduuq ka kala timid Gacan Libaax, 26 Juun,
Cadaadlay iyo Daarasalaam, isla markaana ay ka codsadeen Komishanka in
aanay ku dhawaaqin natiijada oo la isla eego, iyadoo axsaabtu wada joogto,
sidaana ay ku tageen xarunta Guddiga Doorashooyinka, isla markaana waxa ay
sheegeen in ay fahamsan yihiin in ay guddiga doorashooyinku hawshooda u
madaxbannaan yihiin oo aanay taasi ka khaldanayn Odayaasha guurtida.
Laakiin, ay eegayeen nabadgelyada oo ay cabsi ka qabeen, balse markii ay
xarunta guddiga doorashooyinka tageen ay shir la galeen xubnaha guddigaasi,
iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillo ka socda axsaabta, kadibna ay
guddiga doorashooyinku u codeeyeen in sanaaduuqda uu xisbiga UDUB ka
cabanayeen ay yihiin kuwo xisbiyadu ku heshiiyeen in aan la furin, sidaa
awgeedna aanu ahayn go’aan ay kaligood gaadheen gudi ahaan, isla markaana
ay shirgudoonku ku qanceen jawaabtii ay bixiyeen guddigu iyo doodii
wakiillada axsaabta, sidaana ay ku wargeliyeen UDUB in aan meel laga
dhaafo sharcigu jirin oo ay sugaan oo keliya natiijada soo baxda axsaabtu,
laakiin Mudane C/qaadir wuxuu sheegay in ay arkeen taageerayaasha labada
xisbi oo dabaaldegaya, sidaa awgeedna ay warqad codsi ah u qoreen guddiga
doorashooyinka iyo axsaabta, warqadaas oo ay kaga codsadeen in dib loo
dhigo ku dhawaaqida natiijada doorashada, balse ay diideen guddiga iyo
axsaabtu, isla markaana wuxuu sheegay in aanu jirin sanduuq dambe oo dib
loo furaa, kadibna waxa lagu dhawaaqay natiijadii. Sidaa awgeed ma jirto
wax eed ah oo aanu ku leenahay ayuu yidhi.
Shirgudoonka oo la weydiiyay sababta ay u soo farageliyeen hawsha
doorashada maadaama aanu dastuurku xaq u siinaynin, iyada sida ay dhex u
noqon karaan, iyadoo qaarkood ka tirsan yihiin xisbiga UDUB, wuxuu sheegay
Mudane C/qaadir in ay xaq u leeyihiin in ay nabadgelyada wixii wax u
dhimaya kala hadlaan, isla markaana aanay isaga iyo gudoomiyayaasha labada
gole ee Wakiillada iyo Guurtidu ku jirin xisbina.
Ugu dambayntii shirgudoonka labada gole, waxay u soo jeediyeen shacbiga
Somaliland iyo xisbiyadaba in ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida.
Top
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan
Caaro-dhuub, Q:26aad. |
Maahmaahyada garta dhaqanka: Gartu waxay
leedahay maahmaahyo iyo Odhaaho badan oo loo isticmaalo, waxaana ka mid
ah:
Gari laba nin kama wada qosliso
Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay) galladi kama dhaxayso.
Gar waa loo wada islaam.
Nin gar yidhi ma tacadiyin.
Gar eexo, gacan laabban iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo.
Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan.
Garawshiinyo waa geel siin.
Hashaada waa laga tagaa, halkaagase lagama tago.
Saddex baan maarradooda la helin, Min-weyn reer mulkiday, Mari Idaad (lax0
oo madow (Doog) wayday iyo muduci markhaati waayey.
Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ku gaadhay, isna waxa uu
yahay ogaatay.
Raq-ba waa ku rageed.
Awr xamilkii waa qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado.
Nin aan garaw baranini, garna ma barran.
Taasi waa gar, dawse ma aha.
Gartu soddog iyo seedi midna ma taqaan ee allay taqaan.
Nin aan khatalmin xaal ma qabto.
Hadii ay qooni timaado, qunjuraafo hadhan.
Saddex waa gar, saddexna waa gardaro, saddexna waa galabsi.
Hadal iyo hilbaba kala qallan.
Miyeynu iswaalnaa oo laba halaad iyo badhley ayeynu qaadanaa, mise waynu
miyir qabnaayoo laba halaad iyo badh baynu helnaa.
Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro.
Gartaada debeddaa laga akhristaa.
Garna garteedaa lagu doonaa, Mandheerna garkeedaa lagu doonaa.
Gole waa saymo
Hoos-ba hadal leh.
Badh geel murran ma leh.
Dhac guudkii lagama hadlo.
Halka dhiig lagu daadiyo, xab ayaa lagu daadiyaa.
Gaal dil, gartiisana sii.
Waayeel ha gurrinee, wax aqoon gura.
Isna ha hadloodo.
Bidena gartiisa sii.
Xadhko geel ma wada xidhaan.
Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar leh maxaad mooday.
Markhaati waa dhaar nin lihi diiday.
Hadii aad aragto nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha
garsiin ilaa aad kii kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
Ninkii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho.
Ergo wixii la farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa.
Rag waxa u ayaan darran nin doqonkii dacwiyey, nin durguftii duday iyo nin
dameerkii bakhtiyey.
Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura.
Wixii aan markhaati lahayni raajacsan.
Boqolle boqol baa lagu doonaa.
Gardaro garab og iyo gaajo guri og midna looma taag helo.
Walaalkaa magtana ka bixi, markhaatigana ku fur.
Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse looma soo duwo.
Gari waa maxay.
Marag Ani.
La jiifiyaana banana.
Qoslaa hiil leh.
Waayeelku hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
Belaayo hor la qabto ayey leedahay, daba la qabtose ma laha.
Ina Sanweynena u gee oo gartaasi waa sidaa.
Nin malagii galay iyo Mamaasan u gee.
Hubsiimo hal baa la siistaa.
Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku
jirrin ayey soo gelinaysaa.
Aduun I khatal.
Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado.
Meesha aad nin ka qaadanayso, nin baad kaga tegaysaa.
Nin wiil lihi xeer ma duraanto.
Fara-madhan baa daawo xidhantaa.
Meeshii xoolo mareen baa xeer maray.
Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla sug.
Waa Jemeshii Wacays Kaliile maxay noqon.
Gari laba nin kama wada qosliso.
Tolkaa eex laguma dilo.
Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa.
Lafahana gur, xaragona haka tegin.
Saadame ayaad garran.
Caduur dhowdhowdu uma dhacsana.
Aniguun baa aakhiradayda seegaye, aar walaal noqon-waa.
Colaadi wiil bay dishaa ee wiil ma dhasho.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA, Guul Iyo Guuldarro-ba Xaaladdan Maxaa Haboon? |
Waxaa laga soo gudbay wakhti taariikhiyina oo
Somaliland looga codeeyey doorshadii Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, dadku
kala wada xisbi bay ahaayeen hadana isku wada xisbi weeye, doorashadani
waxay ahayd mid aad ololaheedu u adagyahay oo si adag u loolameen laba
xisbi ee Udub iyo Kulmiye, runtii sida loo baahnaa waa sidan waayo waxaa
logu tartamayaa mar hogaankii dalka hadana waxaa loo tartamaya sidiiyoo
laba kooxood oo kubad ciyaaraya sidii ay u tartami lahaayeen, runtii nin
walba wuu isku dayay in uu guusha u soo hooyo Xisbigiisa. sideedaba in
taan la tartamin waxay leedahay shuruudo tartanka horyaal u ah shuruudahaa
waxaa ka mid ah in gudi dhexdhaxaadii goobjoog ka ahaato mar walba in laga
badiyuhu samro mar walba in badiyuhu la yimaado dulqaad, iyo in is afgarad
qurux badani yimaad goobahaas.
Haddaba doorashooyinkii Somaliland ka dhacay waxay ahaayeen kuwo
taariikhiyanna dhanna culays badani soo saarmay shacabka dahabka ah ee
horumarka jecel waxaad arkaysay sida adag ee labada xisbi tageerayaashoodu
u kala taageerayaan runtii arin qaaliya weeye shacab fikradooda wax ku
kala taageeraya aan qasab iyo cabudhis ku is ku haynin.
Taariikhdaa dahabka ahi waxaa suurto galiyay shacabkii kala xisbiyada ahaa
hadana isku xisbiga ah, dhawr arimood oon ku soo gabagabaynayo qoraalkan
baa waxay tahay!!!! 1) Adiga Suxufiga ah maxaa kula gudboon 2) Adiga
taageeraha ah maxaa kula gudboon 3) adiga hogaamiye xisbi ah maxaa kula
gudboon 4) Adiga shicib ah guud ahaanna maxaa kula gudboon.
Suxufiyahow waxaa kula gudboon in aad ka dhawrsanaataan ku tidhi ku teen
iyo war aan jirin baahintiisa sida maalmahan danbe kolba webpage xisbi
lagu taageerayo aan ku arkayay suxufi Axmed Siciid Cige oo ka hadlay
sabtidii intaan doorashada lagu dhawaaqin in shir ay ku jiraan Gudida
koomiishanka iyo dhammaan axsaabta hogaamiyayaasheedu waxa uu sheegay in
labada xisbi midkood la qancinayo se wuxuu ku daray in aanu garanayn xisbi
uu yahay xisbigaasi, hadaba suxufigu isaga oo xisbiguu doono u codayn kara
hadana sharafta saxaafada uu huwanyahay in uu dhawraabaa haboon.
Adiga taageera xisbiyoowna waxaa kula gudboon mar hadii xisbigaad
taageeraysay badiyay in bal aad daba joogtid xisbigaaga ood eegto
waxyaabuhuu xisbigu ku balanqaaday in uu oofiyo kolba halkuu xaal marinayo,
ood dalka daacad u ahaataan adiyo xisbigaaguba ilayn fikrad weeyey waxa
idinka dhaxeeyaaye, Taageeraha laga badiyoow mid ba kula gudboon in aad
xasuusato in bal xisbigan talada qabtay laftiisu yahay mid ka talinaya
danta dalka fikradaha aad ku kala duwanaataan xasuuso mar kale mar hadii
la tartamay waxaad filanaysay in ay ahayd guul ama guul daro oo u
hogaansan kii badiyay una niyee, mida kalena labada taageerayaalba ha
ogaadaan in kala xisbi la yahay hadana la isku xisbiyahay taasoo
macnaheedu yahay in la wada hoos hadhsanayo xisbiga la yidhaah Somaliland.
Adiga hogaamiye xisbiyoow hadaad badisay waxaanu si hagar li’i ah kaaga
sugaynaa in aad dhakhso u qabato wixii aad ugu ballan qaaday shacabkii ku
taageeray ee meeshan ku saaray kow in aanad xifiltan la iman waayo maanta
adaa dalka hogaaminaya, huwanna sharaftii mucaarid iyo muxaafidba,
hogaamiyaha laga badiyoow mid baa kula gudboon in aad marna ku riyaaqdo
codka taageerayaashaada marna iyaga samarsiisid waayo iyagaa kuu halgamay
oo fikradahaaga isku dayay in ay dhabeeyaan shacabkaa dahabka ah
tageeradoodii in aanad lumin mar kalena isku daydo doorashooyinka danbe in
aad fikradahay kula qabaan isku daydo in aad dhabayso dhan uga soo wada
jeesta wanaaga dalka iyo dadkaba.
Shicibyohow wanaagsani guud ahaan waxaa kula gudboon in aad eegtaan halka
xaalada Somaliland marayso iyo halka xaalada dalka dariska ah ee Soomliya
marayso guud ahaan caalamka meel kasta oo doorasho ka dhacdo hadal laga ma
waayo laakiin tusaale wanaagsan waxaa ah in somaliland doorashadeedu
noqotatay mid xisbiyadu aad isugu dhaw yihiin taas oon laga helin dalal
badan oo kale, meelaha shacabyohow aad hiigsanayso waxaad ku gaadhi kartaa
samar dadaal iyo is kaashi yaanay siyaasiyiin idin kala xadin, hogaanka u
qabta siyaasiyiinta in ta ay idiin qaban lahaayeen.
Ugu danbayn iyo gabogabo doorashooyinkani ha noqdaan mid isu soo dhaweeya
afkaarta dalka, ha noqdaan mid reebta xumaan iyo is beelaysi, ha noqdaan
mid u horseeda jiilka soo kacaya marin wanaagsan, ha noqdaan mid keenta
tashiga aayaha iyo talada mustaqbalka, Wa billaahi towfiiq.
Cumar Cabi Nuux, calaydh2@hotmail.com, Helsinki, Finland.
Top
Natiijadii Commissionka, Udub Iyo Jahawareerkii Kulmiye. |
Waxay ahayd maalmo aad iyo aad u dareen badnaa
marka loo eego taariikhda soo martay jamhuuriyadda Somaliland, dhamaan
shacabka Reer Somaliland gudo iyo dibadba waxaa laga dhursugaayey
natiijadii kamadanbaysta ahayd ee doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland, saacadba saacad waxaa ka soo daba dhacaayey kelmado
xanbaarsana guul ay hibaysanayeen taageerayaasha KULMIYE PARTY iyo UDUB,
kuwaasi oo lagu arkaayey saacadba saacada ka danbaysa iyaga oo u dabaal
degaaya guusha, balse ka kale ayaa isaguna lahaa u kaadi, aniga guushu i
raacdaye,!!! akhristow maalmahu waa isriixeen, gabalkuna wuxuu u dhacay
dhinaca galbeed ee cad ceed dhaca, waxaa laga warhelay in commissionkii
dooroshooyinka ee qaranku dib u riixay ku dhawaaqidda Natiijada dad
badanna gelisay tiif kuna noqotay madaxda axsaabta siyaasadeed sidii waran
la gannay oo kale, habeenkii oo dhan sida aan wararka ku helaayey
magaalada Hargeisa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland lagama seexanin,
shakhsi weliba wuxuu u tirinaayey saacadda daqiiqad daqiiqad, waxaa
dhinaca beri falaadhaha soo dhigay cadceed kollayba u noqonaysa labada
xusbi mid uun gabal ay u dabaal dagaan.
Saacaddu waxay soo gaadhay 11:30 duhurnimo waxaana badiba loogu
bushaareeyey taageerayaasha xusbiga Kulmiye in ay ku guulaysteen
dooroshooyinkii madaxnimo, waxaana halkaasi ka bilaabantay farxad iyo
damaashaad iyo dabaal degyo, qaar badan oo ka mid ahaa taageerayaasha
xusbiga UDUB ayaa la arkaayey iyaga oo u hambalyeynaya xusbiga la filaayey
inay guushu raacday, si kastaba arrintu ha ahaatee dhawaaqa soo gaadhay
taageerayaasha Kulmiye ma ahayn mid si cad loo hubo kana soo baxday
madasha gudida dooroshooyinka qaranka Somaliland, waxaa loo sheegay
dhamaan dadweyne aad u tiro badna oo tubna kadinka Guriga gudida
dooroshooyinka, in si cad loogu dhawaaqi doono natiijada saacadda afrikada
beri markay tahay 4:00 galabnimo, dadkii goobtaasi iskugu yimid qaar ka
mid ahi waxay ku laabteen guryahoodii si ay usoo qadeeyaan una soo yar
nastaan, qaar kalana maba ay dareemaynin daal iyo tiiftii labada maalmood
oo indhahooga laga dareemayey daal farabadan.
Runtiina kuwaasi waxay u badnaayeen taageerayaasha xusbiga Kulmiye, oo
sugaayey Tiraabitaanka gudida dooroshooyinka in ay si dhaksho ah u maqlaan,
waxaa la isla soo gaadhay ammintii iyo goortii shaaca laga qaadi lahaa
saacaddu waxay tilmaamaysay 3:00 galabnimo xilliga magaalada hargeysa,
waxaa xarunta gudida dooroshooyinka ku soo qulqulay suxufiyiin farabadan,
oo dhegta u ridaayey in ay xaqiijiyaan cidda hadda loo hambalyeyn doono,
iyo cidda guulaysatay, waxaa suxufiyiintu ay halkaasi ku sii wada
diyaarisadeen qalabkoogii warfidiyiinimo, iyaga oo gadhka u saaray miiskii
uu gudiga dooroshooyinku kaga dhawaaqi lahaa natiijada ku meel gaadhka ah
sodomeeyo warlaliyayaal ah waxaa goobta rigli looga dhigay qalabka
kamaradaha iyo werlalayayaasha oo gudbinaayey codka ku dhawaaqayey
natiijada, oo dabacanna idaacadda Radio Hargeisa oo mudan amaan iyo fiiro
gaar ahaaneed ay si toos ah ugu gudbinaysay shacabka, markay saacaddu
ahayd abaaro 4:23 daqiiqo ayaa gudoomiyaha gudidu wuxuu shaaca ka qaaday
in cod dhan 42.08 uu ku guulaystay xusbiga hadda talada haya ee UDUB.
Taasi waxay afka iyo gacanta isku saartay boqolaal qof oo halkaasi isugu
yimid, inkasta oo boqolaalkalena ay markiiba bilaabeen damaashaad iyo
dabaal deg, arrintu waxay noqotay mid jahawareer ku ridday dhamaanba
xubnahii xusbiga Kulmiye, waxaanay isla markiiba abuurtay cadho aad iyo
aad u weyn, weriyayaasha ayaa markiiba waxay usoo jaan qaadeen dhinaca
guriga gudoomiyaha Xusbiga lagaga adkaaday dooroshooyinka oo runtii ay ka
doorbidayeen hadalkiisa ninka tallada sii hayn doona 5 sanno ee soo socota
Axmed Maxamed Maxamoud (Siilanyo), balse uma suuro gelin in ay codkiisa
maqlaan, taasina waxay muujisay sida kalsoonida ka fog ee hogaanka xusbiga
Kulmiye raalida uga ahayn natiijadaasi, akhristow ammintu waxay ahayd 7:00
fiidnimo waxaa magaalada isugu soo baxay dhalinyaro farabadan iyo dumar
kuwaasi oo ka cadhaysna sida ay wax u dhaceen kuna tilmaamayey in
codkoogii la musuqmaasuqay.
Balse iyaduna waxaa dhinac socotay damaashadka xusbiga UDUB, waxaa shir
jaraa,id qabtay Madaxweyne Riyaale oo hadda ogaaday in uu woxogaa yar ku
badbaaday dooroshooyinka, wuxuuna halkaasi ka sheegay hadallo uu ku soo
jiidanaayey mucaaridka laga adkaaday, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "wax
naxli ah oo na dhex yaalla ma jirto ragga aanu ka badinay waxaanu nahay
walaalo, dalka waanu wada leenahay waxaanan ku soo dhawaynaya tallada
inaanu wada maamulano" sidaasi waxaa yidhi Madaxweyne Riyaale cadhadu
maaha mid keliya oo run ahaantii ku eg waddanka gudahiisa ee waxaa jira u
qaadan waa aad uga yaabiyey qurbe joog badan oo Somalilander ah oo jeclaan
lahaa inuu indhaha ku arko xusbiga Kulmiye oo guushu raacdo, taasi waxaa
daliil marag ma doonto ah u noqonaysa iyada oo hadda la afduubay
mareegahii (websitekii) ay gaarka u lahayd jamhuuriyadda Somaliland taasi
oo lagu reebay farriimo cadho muujin kara www.somalilandgov.com.
Arrintu akhristow si kastaba ha ahaate waxay u ektahay mid gaamuursan oo
aan si dhib yar ku dhamaan doonin, waxay u muuqata maalmaha soo socda in
la arki doono muran badan oo dhex ooli doona labada xusbi, kalsoonida
Kulmiye na wuxuu noqon doona mid ay ku adkaystaan in codadka dib loo
tiriyo oo xitaa hadday ku qaadato ay la tegi doonan maxkamadda sare ee
qaranka, taasi oo saan saanteedu u ekaan doonto dooroshooyinkii seddex
sanno ka hor ka dhacay waddanka Maraykanka ee gobolka Florida uu noqday
goob lagu murmo dacwadahii algore na ay tageen maxkamadda sare ee waddanka
maraykanka, waa run eh su,aasha iman karta ayaa waxay tahay tallow cododka
hargeysa maxay u ekaan doonan ibtiladii BUSH IYO ALGORE ee kal hore ku
dhex martay gobolka florida? waxaynu sugnaaba waa maalmaha soo socda iyo
sida xaalku noqdo.
Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba), Karachi, Pakistan.
Top
Anaga oo ka mid ah ardayda jamhuuriyada
somaliland ee ku sugan dalka iran waxa aanu halkan hanbalyo iyo bogadin
aan lasoo koobi karin marka hore u dirayna shacbiwaynaha jamhuuriyada
somaliland ee 14/04/2003 udareeray dorashada muhiimka dalka u ahayd ee
madaxtinimada waxaana aanu marlabad ku hanbalyaynayna shacbiga reer
somaliland sida wadaniyada iyo dimuqradiyada leh ee codkooda ay udhiibteen
iyaga oo mustaqbalkooda ciday udhibayan doranaya.
Waxaanu marka xiga hanbalyo iyo bogadin udirayna xisbiga talada dalka sida
dimuqrradiga ah ugu guulaystayee kusoo baxay codka shacabkiisa udub.
waxaana aanu si gaar u hanbalyaynaynaa Madaxwaynaha dalka Jamhuriyada
somliland, Mudane Madaxwayne DAAHIR RIYAALE KAAHIN iyo Madaxweyne ku
xigeenka Jamhuriyada Somaliland, Mudane Ahmad Yusuf Yaasin.
waxaana aanu illaah uga baryayna inuu ufududeeyo xilka wayn ee qaran ee
dadkoodu udoortay, waaana kan magacyada ardayda jamhuriyada somaliland e
dalka iran:
Axmed-Sayid Mahmoud, Mohamoud Shacayb, Idiris Khadar, Ahmad Ciise, Maxamed
(Maxko). Dhaman ardaydas waxa ay hanbalyo udirayan dadka somaliland, iyaga
oo illah uga baryaya bash bash iyo barwaaqo.
Top
Khilaaf Ka Taagan Dhismaha Xukuumadda Reer Falastiin. |
Qudus (W. Wararka) waxa weli taagan
khilaafaadkii u dhaxeeyey hogaamiyayaasha falastiiniyiinta ee ku waajahnaa
dhismaha xukuumad ay falastiiniyiintu leeyihiin kaas oo si gaar ah ugu
dhaxeeya Yaasir Carafaat iyo ra’iisal wasaaraha uu magacaabay Maxamuud
Cabaas, taas oo keentay inay adkaato dhismaha xukuumad reer Falastiin ah.
Khilaafkan u dhaxeeya Carafaat iyo Abu Maasid waxay dib u dhigtay ku
dhawaaqida xukuumad cusub iyada oo ay inyari ka hadhsantahay wakhtiga kama
dambaysta ah ee uu la horgeynayo golaha baarlamaanka Falastiin, oo ku eg
maalinta arbacada.
Waxa kale oo khilaafankani saameeyey guddiga fulinta ee Jabhadda xoreynta
reer Falastiin Al Fatax iyada oo uu Abu Maasid ku hanjabay inuu iska
casilaayo jagada loo magacaabay haddii aanu Yaasir Carafaat aqbalin
xukuumadda uu soo dhiso.
Dhinaca kalena waxaa socda duulaanka iyo weerarada ay ciidamada reer
Israa’iil ku hayaan deegaanada falastiiniyiinta, iyada oo maalintii
shalayna ay galeen ciidamadaasi dhawr tuulo oo ay ka mid tahay tuuladda
Calaar oo ku dhaw Dulkaram iyaga oo ku soo rogay bandoo, sidoo kale waxa
rasaasta ciidamada Israa’iil ay dishay dhawr dhalinyaro ah ka dib markii
ay isku dayeen inay dhagaxaan iyo quraarado kala hortagaan ciidamada
hubaysan ee duulaanka soo qaaday, ururka Xamaas ee Islaamiga ah ayaa
isaguna dhiniciisa ku hanjabay inuu weeraro aargoosi ah ku qaadi doono
Israa’iil.
Top
Jenaraalka Uu Maraykanku U Magacaabay Maamulka Ciraaq Oo Lagu Wado
Inuu Maanta Gaadho Baqdaad.
|
Baqdaad (W.wararka) Jeneraalka hawlgabka ah ee
uu maraykanku u magacaabay Maamulka Ciraaq Cherry Grend oo si ku meel
gaadh ah loogu magacaabay maamulka Ciraaq ayaa sheegay in dawladda
maraykanku ay ku talo jirto sidii ay xukuumad dimuqraadi ah uga dhisi
lahayd Ciraaq laakiin aanay xukumayn qaabka iyo nooca ay xukuumadaasi
noqonayso.
Waxaanu sidaa jeneraalku ku sheegay waraysi ay la yeelatay jariidada
Washington Post isaga oo intaa ku daray inaanu jirin wakhti go’an oo ay
xukuumad reer Ciraaq ah ku wareejinayaan talada balse waxa uu sheegay inay
qorshahooda tahay sidii ay xukuumad ay ciraaqiyiintu leeyihiin ugu
wareejin lahaayeen talada balse waxa uu shardi uga dhigay in marka hore ay
ciraaqiyiintu diyaar u ahaadaan arrintaasi.
Jeneraalka oo haatan ay xaruntiisu tahay dalka kuwait waxa lagu wadaa inuu
maanta u wareego magaalada Baqdaad iyada oo ay la socdaan afar boqol oo
kalkaaliyayaal ahi, waxaana la sheegay inuu haysto awood aad u balaadhan
oo uu wax kaga qabto xaaladda Ciraaq, waxaanu sheegay inay qorshahiisa ugu
horeyso sidii uu dib u dhis ugu samayn lahaa dalkaasi iyo in la dhiso
xukuumad madax banaan. Balse jeneraalka waxa horyaala caqabado ay ka mid
yihiin mucaarad badan oo ka soo horjeeda in dalka Ciraaq uu ka taliyo nin
uu maraykanku soo dirtay. Qorshihiisa waxa kale oo uu jeneraalku ku
darsaday in marka hore la diyaariyo doorashooyin gole wakiilo ah oo dejiya
dastuur uu dalkaasi yeesho, ka dibna in la qabto afti ku waajahan
dastuurka, markaana ay raacaan doorashada baarlamaan rasmi ah iyo xukuumad
cusub, markaasoo uu sheegay in maamulka maraykanku ka bixi doono Ciraaq.
Top
Islaamiyiin Lagu Xukumay. |
Sanca (W, Wararka) Waxa dalka Yemen ka
bilaabatay maxkamad lagu soo oogay nin la sheegay inuu ka tirsan ururka
Al-Qaacida oo lagu eedaynayo dilka saddex baadariyo ah oo lagu dilay dalka
Yemen bishii December ee ina dhaaftay.
Eedaysanahan oo la yidhaa Caabid C/Risaaq Kaamil oo 30 jir ah waxa la
sheegay inuu maxkamadda horteeda ka qirtay eedda loo haysto, iyo inuu
xubin ka yahay ururka Al-Qaacida balse waxa uu ku sababeeyey dilka
baadariyadda isaga oo sheegay inay dadka ka saarayeen diinta Islaamka
uguna yeedhayeen diinta Kiristaanka.
Maxkamadda oo amaankeeda aad loo adkeeyey waxa la sheegay in xukunkiisu uu
noqon karayo ninikaasi dil haddii ay ku cadaato, eedda loo haysto.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga. |
Mingistu: Mucaaradku waxay sheegteen xoog ,
waxayna doonayeen inay xoog wax ku hantaan, sidaa darteed maadaama ay
sheekadu sidaa tahay anagana dhinacayaga waajinka wadaninimo ee na
saarrani waxa weeye inaanu iska difaacno cadawga na soo weeraraya. Tusaale
nimanka mucaaradka ah marka lagu yidhaahdo “Awood milateri inaad wax ku
doon wax aan ahayn ma haysaan oo ma keenaysaan”, may sheegi jirin xal kale
oo dhaama awood milateri inay wax ku doonaan.
Ugu dambayntii waxa dhacday wax ay intooda badani moodeen ama bad-baado
moodeen, taas oo ah in dagaal la isku waajaho. Masalan waxa jirta xikmad
tidhaahda “Waxa jiray Jiir ku dhex-noolaa Markab, halkaas oo uu ku
dhex-noolaan jiray iyadoo aanay cidina arag, waxaase la ogaaday markii uu
Markabku degayey ee ay baddu liqaysay”. Sidaa awgeed taariikhda dhabta ah
ee xiligaa dalkayaga ka soo baxday waxay ahayd sida Jiirkaa markii hore is
qarinayey, balse markii dambe wejigiisii rumaad soo saaray. Sidaa awgeed
qolada mucaaradka ahi wixii ay ku faani jireen ee ay odhan jireen “Ma
jirto cid anaga naga geesisani”, ee sidaa dadkooda hortiisa ka odhan jiray
waxa markii dambe la arkay iyaga oo gadaal-gadaal u sii guranaya, laakiin
dabeecadaha dadku sida waqtiga ayey isbed-bedelaan, sidaa awgeed masalan
sideetamaadkii halgamadii ay ciidamadu galeen ee aanu aragnay waxay ahayd
wax ay shicibku ku faaneen oo ay yidhaahdeen waa ciidankayagii
dagaalyahanka ahaa, balse ciidankii caynkaa ahaa ee goobaha dagaalka
fadhiyey waxay saraakiishoodii inta ay isku duubnaantii lumiyeen ayey
bilaabeen loollan iyo kala qaybsanaan qabyaaladeed.
Horaantii sideemaadkii waxa isku biiray oo ku heshiiyey inay meel keliya
ka wada dagaal galaan ururkii sheegan jiray inuu yahay gobanimo-doonka
ummadda Oromada, Wayaanaha (Tigreega) iyo Shacbiya (Ereteriyiinta),
taasina waxay keentay inay nagu adkaadaan hawl-galadii dagaal ee aanu
wadnay, balse inkasta oo aanay shicibka badidiisu taageerin, hadana inta
ay soo galeen meelo gudaha dalka ka mid ah ayey qalalaase aan badnayn ka
abuureen.
Waxa kale oo jirtay xiligii ay isbedelada siyaasadeed ee caalamku soo
bax-baxayeen, gaar ahaan markii uu hantiwadaaggu soo baxayey waxa loogu
yeedhay Reform (Dib-u habayn), laakiin anigu waxaan ugu yeedhayaa ama ku
magacaabayaa inqilaab (Burburiye), masalan qolada hantiwadaaggu anaga
waxay damceen inaanu ugu sacabino halkudhegyadii yaryaraa ee Gorbaa Gove (Nin
shuuci ah), hase yeeshee qolada hantiwadaaggu halkudhegyadii ay wateen iyo
waxyaalihii ay doonayeen inay qabtaan iska anaga oo xataa iyaga ayaan
fahamsanayn ama fahmin, waayo marka laga yimaaddo weedho halkudhegyo ah oo
ay wateen may jirin istaraatijiyad meel u taalay oo ay ku talo galeen iyo
dariiqa ay marayaan nooca uu yahay iyo waxa ay wadaan waxa uu keeni karo
ama dhalin karo wax faah-faahin ah way ka bixin kari waayeen.
Sidaa darteed anaga (Itoobiyaanka) iyo Soofiyeetku waxaanu ahayn laba kala
duwan, waayo mawqif aanu isugu nimaadno ama isugu soo dhowaano mooyee
Itoobiya inay Soofiyeet tahay, Soofiyeet-na Itoobiya yahay taasi ma ahayn
wax jira, sidaa awgeedna kacaankayagu dookha Soofiyeet-ka iyo wax ay iyagu
damacsanaayeen kuma uu bilaabmin ee waxa u ahaa mid iskii u bilaabmay,
waxaanuse Soofiyeet-ka heshiis ka ahayn ama iskaga mid ahayn arimo yar yar
oo koob kooban, laakiin caawimada ay na siin jireen waxay ahayd mid aad u
weyn, mana aha wax taariikhiyan la ilaawi karo, sidoo kale Soofiyeet-ku
abaalka ay Itoobiya u galeen ma aha wax la ilaawi karo, waxyaalaha
caawimooyinka ah ee ay Soofiyeet-ku Itoobiya siin jireen waxay ahaayeen
wax socday ilaa xukuumadii u dambaysay ee Soofiyeet-ka ee uu madaxweynaha
ka ahaa Birishineef.
La soco cadadka dambe.
Top
Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax Maxamed,
waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 26aad.
Xayaad halkii uu Biixi kaga dhaqaaqay oo ahayd albaabka goobta uu ka
shaqeeyo ayay naxdin daraadeed ka dhaqaaqi kari wayday, kadibna inta ay
sidii wax suuxay noqotay ayay dhulka is daadisay, laakiin markiiba dadkii
goobta joogay ayaa qayliyay, kadibna waxaa markiiba soo gaadhay baabuurta
gurmadka degdegga ah ee caafimaadka, sidoo kale waxa iyaguna meesha yimi
ciidamada Booliiska ee wax ka qabta dhibaatooyinka degdegga ah, waxaanay
ciidamadii meesha yimi isku xeerreen oo ay xidheen jiid ay ku jirto goobta
uu Biixi ka shaqeeyo, iyaga oo doonay inay hubsadaan waxa gabadha ku
dhacay, taas oo markii hore u maleeyeen in la dilay, ka dibna ciidamadii
booliska ahaa ee meesha yimi waxa la hadlay oday boolis ahaa oo meesha
joogay ayaa u sheegay in gabadha meesha jiifta intii aanay dhicin inuu
meesha ay ku dhacday la taagnaa nin xarunta shaqada ee ay hor-jiifto ka
soo baxay, ninkaasina markii uu gabadha ka dhaqaaqay uu dib ugu noqday
goobta shaqada.
Dabadeedna booliskii waxay hawl-gal ku ekeeyeen goobtii uu Biixi ka
shaqaynayey, waxayna albaabada u xidheen xaruntii shaqadu ka socotay, isla
markaan shaqaalihii goobta ayaa meel la isugu soo ururiyey, waxaana
xog-waraysi lagala yeeshay waxa ku dhacay gabadha albaabkooda jiifta,
laakiin inuu ninkii gabadha isla taagay Biixi ahaa waxa markiiba sheegay
gabadhii Biixi ugu yeedhay ee ay Xayaad markii ay albaabka meesha timi la
kulantay, ka dibna ku tidhi walaal wiilka Biixi la yidhaahdo iigu yeedh,
sidoo kale waxa isna sheegay nin oday ah ee xerada waashmaan ka ah, kuwaas
oo booliskii u sheegay inuu ninka gabadha isla taagay, ka dibna ka soo
noqday ahaa Biixi. Intaa ka dibna Biixi ayaa looo yeedhay, balse intii
aanay boolisku ka hadlin waxa ugu horayn loo taxaabay xabsiga, iyadoo lagu
sii qaaday baabuurta booliska ee calaamadaha casaanka ah ee dhiilada
tilmaama bixiya, isla markaana Xayaad waxa iyana loola cararay cusbataalka,
balse Xayaad oo markii hore shook dartii miyirkeedu maqnaa intii jidka
lagu sii jiray ee aan cusbataalka la gaadhsiin ayey miyirsatay, laakiin
markiiba ma noqon qof caadi ah oo wax walba kala garanaysa, iyadoo uu ku
sii jiray shooggii qabsaday, balse Xayaad way diiday inay tafaasiil ka
bixiso waxa ku dhacay.
Biixi markii ay boolisku waraysteen waxa uu qirtay inuu gabadha isla
taagay, balse wuxuu sheegay inaanu waxba u geysan, isla markaana uu ka
dhaqaaqay iyada oo bed-qabta, sidaa darteedna aanu ogayn waxa ku dhacay.
Sidoo kale Xayaad oo inkasta oo ay ladan tahay, hadana cusbataalka joogta,
welina shooksan oo aamus mooyee hadal-ba laga waayey ayey boolisku u
tageen si ay u soo waraystaan, laakiin way diiday inay haba yaraatee wax
faallo ama hadal ah ka bixiso wixii ku dhacay. Sidaa awgeed dhawr maalmood
markii saldhig boolis ku jiray ayey maalintii dambe boolisku maxkamad
hor-geeyeen, dacwadna ku oogeen, waxaana lagu xukumay xabsi 20 sannadood
ah, laakiin qareenkii Biixi u doodayey ma garwaaqsan taa , wuxuuna ka
qaatay racfaan, waxayse dacwadii racfaanku jiitantay muddo sannad
gaadhaysa, balse aakhirkii maxkamaddu way sii daysay, ka dib markii waxb
dembi ah lagu cadayn waayey, ka dibna Biixi markii xabsiga laga sii daayey
ayuu markiiba gurigiisii ku tibaday, isaga oo boholyaw iyo xiise badan u
qaba gabadhiisa iyo caruutiisa.
Biixi markii xabsiga laga soo daayey waxa uu jeebka ku hayey waxoogaa
lacag ah oo ay jeelka ugu keeneen saaxiibadiisii shaqada iyo dad kale oo
qaraabo ah oo xabsiga ku soo booqday, sidaa darteed intii aanu guriga
gaadhin ayuu u yara leexday dhinaca suuqa, wuxuuna marwadiisa iyo
caruurtiisa uga sii iibiyey waxoogaa hadiyad ah oo isugu jira macmacaan
iyo alaabooyin kale oo kuwa udugga.
Biixi markii uu guriga tegay waxa ugu horayn weji farxad badani ku dheehan
tahay ku qaabishay marwadiisii Saynab, iyadoo uu Biixi telefoonka uga sii
sheegay in la soo daayey oo uu soo socdo, laakiin Saynab waxay saygeeda u
samaysay xaflad ay kaga reebayso diiftii xabsiga, waxayna xafladaa ku
casuuntay asxaabtiisii iyo dad kale oo deriskooda ka mid ah, halkaas oo
Biixi iskaga reebay diiftii farxad la’aanta ee xabsiga, muddo ka dibna
shaqadiisii ayaa loo ogolaaday oo uu ku noqday, ka dib markii ay cadaatay
inaanu wax dembi ah gelin ee ay maqaadiiri iskala kulantay, laakiin Biixi
inkasta oo uu gabadhii Xayaad calool-xumo weyn tusay, hadana waxa uu weli
gacanta ku hayaa fargalkii xusuusta ahaa ee Xayaad. Hase yeeshee gabadhii
Xayaad maalintii uu Biixi kaga dhaqaaqay goobtii ay ku suuxday laga
bilaabo waxay gashay duni madow, waxaana nafteeda quutay werwer iyo
walbahaar, isla markaana waxay u ekaatay qof bilaa yididiilo ah oo aan
himilada nolosha aduunka waxba ka sugayn, waxay dadku u kala
garran-waayeen inay qof dhan tahay iyo inay qof dhiman tahay, waxay
noqotay qof habeen iyo maalin la seexanaysa oo la soo toosaysa niyad jab
iyo dareen bilaa farxad ah.
Xayaad hooyadeed waxay iyana joogtaa London oo guri bay ku wada nool
yihiin, sidaa darteed Xayaad waxay geed iyo geed gaaban-ba u fuushay sidii
ay mar uun u arki lahayd gabadheeda oo caafimaad qabta ama dareen
farxadeed ka muuqdo, waxayna isu keentay faaliye iyo fooxiso wixii dunida
joogay iyo sidoo kale dhakhtar iyo wadaad wixii dunida joogay, laakiin
dabiib kasta oo Xayaad lagu dayaa ma gaadho halka bukta, waayo gabadha
jiidh iyo lafi toona ma xanuunayso, balse waxa haya xanuun nafsaaniya oo
aanay iyada mooyee cid kale dareemi Karin, isla markaana hooyadeed iyo
ehelkeed dabiibka Xayaad ee ay ku daalleen kharash iyo dhibaato mooyee
guul kale kama gaadhaan.
La soco.
Top
Top
|