Natiijada Weli Madheertu Ka Laad-Laado Iyo Cadaadiska Saaran Guddiga
Doorashooyinka. “Komishanka Doorashooyinku Waxay Beddeleen Rabitaankii Dadka,
Xaqna Uma Leh In Ay Dadka Qaar Takooraan” Xubno Degaanka Bariga Hargeysa Ah
(Yuusuf Guruuje Iyo Maxamed F. Caynaashe).
Curashada Roobka Iyo Saameyntiisa Berbera.
Wefti Ka Kooban Hay’adaha WHO Iyo UNICEF Oo Booqday Tuullada
Darar-Weyne.
Khatarta Xannuunka SARS Oo Si Xawli Ah Ugu Faafaysa Caalamka.
Golaha Ammaanka Oo Ogolaaday Iib-Geynta Saliidda Dalka Ciraaq.
Burco: Dareenka Xasaasiga Ah Ee Ka Dhashay Natiijadii
Doorashada Iyo
Go’aanka Mar Labaad Loo Dheg-Taagayo.
Machadka IPRT Oo Tababar U Furay Hawl-Wadeeno Ka Kala Socda
Hay’adaha Dawladda.
IFTIINKA ISLAAMKA, S. Guraase.
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan
Caaro-dhuub Q:29aad.
JILBO-DHIIG: Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax, waxana
Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 29aad.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Doorashadu Waxay U Baahan Tahay
Dhammaystir.
Shacbiga Somaliland Waxay Muujiyeen Kalsooni Lama Filaan Ah.
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.
Waadiga Ciyaaraha: Tomasson Daqiiqadii Ugu Dambaysay
Kooxdiisa U Soo Gudbiyay Semi Finals-ka.
Keane Oo Kooxdiisa Manchester United Ugu Baaqay In Ay
Khaladaadkoogu Cashar U Noqdo.
|
|
Natiijada
Weli Madheertu Ka Laad-Laado Iyo Cadaadiska Saaran Guddiga
Doorashooyinka. |
Hargeysa (Haatuf): Laba kooxood oo ay qolo ka socoto xisbiga KULMIYE,
qolona ka socoto xisbiga UDUB ayaa shalay laba kulan oo kala dambeeyey la
yeeshay guddiga doorashooyinka, kulamadaasna inkasta oo aanay wax war ahi
ka soo bixin, hadana waxay wararku tibaaxeen inay kulamadaasi la
xidhiidheen natiijada doorashada iyo tirrinta codadka oo ay weli doodi ka
taagan tahay.
Xisbiga KULMIYE oo natiijadii doorashada ee Sabtidii toddobaadkan ay ku
dhawaaqeen guddiga doorashooyinku ku gacan-saydhay, sheegeyna in tiro
qalad ah la yeedhiyey ee ay iyagu ku guulaysteen doorashadii ayaa
Arbacadii doraad bandhig ay hogaamiyayaasha KULMIYE ku qabteen magaalada
Hargeysa waxay ku muujiyeen codad ilaa 133 gaadhaya oo ka maqan
isugeyntooda codadka ay Burco ka heleen, taas oo ay sheegeen in laga
qalday. Waxayna ku dacwiyeen in marka tiradaa lagu daro ay tirada codadka
ku hogaaminayaan ilaa 76 cod, isla markaana waxay ku adkaysteen inay iyagu
ku guulaysteen doorashadii dhacday. Laakiin dhinaca kalena xisbiga UDUB
ayaa wax yar ka dib markii ay hogaamiyayaasha KULMIYE tirooyinkaa soo
bandhigeen soo saaray war ay kaga jawaabayaan tirooyinka ay soo bandhigeen
KULMIYE, taas oo ay reer UDUB iyaguna dhinacooda ku dacwiyeen in xisbiga
UDUB-na laga jaray tirooyin ay xaq ua lahaayeen.
Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xisbiga UDUB, Axmed Xaashi ayaa
lagu sheegay in xisbiga UDUB hayo cabashooyin la xidhiidha natiijada
doorashada, iyaga oo yidhi “Xisbiga UDUB waxa uu hayaa cabashooyin badan
oo ku saabsan sanaaduuq Hargeysa ah oo ay UDUB ku tiro badnayd, xaqna u
lahayd in loo tiriyo, laakiin laga laalay”.
Waxa kale oo ay qolada UDUB ku dooday inay iyaguna hayaan tirooyin
dheeraad ah oo loo raaciyey xisbiga KULMIYE, iyagana tirooyin laga jaray,
Isla markaana waxay qolada UDUB war-saxaafadeedkooda ku canbaareeyeen
xisbiga KULMIYE oo ay ku eedeeyeen inuu doorashadii dalka ka dhacday
nashuushadaynayo.
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo bandhigii uu doraad
xisbigiisu qabtay ka hadlay ayaa isna ka waramay mawqifka xisbigiisa ee
natiijadii doorashada ka soo baxday, taas oo uu ku celceliyey inuu
xisbigiisu guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday.
“Intii aan natiijada lagu dhawaaqin waxa jirtay aaminsanaan badan oo ahayd
inuu KULMIYE helay doorashadii”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, wuxuuna intaa
ku daray oo uu yidhi “Maalintii dhowayd markii la yidhi 80 cod buu ku
horeeyaa xisbiga UDUB, taasi waxay noqotay qaadan-waa, laakiin meel walba
waanu ka cadaynay oo iminka ayaanu leedanahay KULMIYE ayaa helay
doorashadii dalka, welina may dhicin natiijadii kama dambaysta ahayd ee
doorashadu.”
Markii ay guddiga doorashooyinku Sabtidii toddobaadkan ku dhawaaqeen in
xisbiga UDUB 80 cod ku helay doorashadii waxay taasi kaga cadhaysiisay,
waxaana soo baxay warar la isla dhexmaray oo la leeyahay xisbiga KULMIYE
waxa uu ku dhawaaqayaa dawlad maadaama uu rumaysan yahay inuu doorashadii
ku guulaystay, laakiin gudoomiyaha KULMIYE oo arintaa ka hadlaya ayaa
yidhi “Dawlad aan sharci ahayn weligayo ku dhawaaqi mayno”, wuxuuna intaa
ku daray “Waxa la yidhaahdaa KULMIYE ciidan buu dhaqdhaqaajinayaa, laakiin
ciidan aanu dhaqdhaqaaqijinaynaa ma jiro, dalkan iyo dadkana anaga ayaa
nin walba uga lexejeclo badan, laakiin mid baan ka digayaa cadaalad xumo.”
Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu madashaa kaga dooday in taageerayaasha
xisbigiisa si gaar ah loo ugaadhsanayo oo lala daba socdo xadhig iyo shaqo
ka eryid, isaga oo yidhi “Dadkaasi meel kasta oo ay joogaan xaq bay u
leeyihiin inay is difaacaan, taas waa in si cad loo ogaado, waxa kale oo
uu distoorkeenu wuxuu qorayaa oo xaq inoo siinayaa in mudaharaadku yahay
sharci, markaa waxaanu nidhi waxaanu doonaynaa mudaharaad nabadgelyo ah,
laakiin wasiirka daakhiligu wuxuu nagu yidhi wax mudaharaad ah oo aad
samaynaysaan ma jiro.”
Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inay dacwadahooda dhinaca natiijada u
bandhigi doonaan laba siyood oo ay midi tahay dadweynaha oo ay u
bandhigaan iyo ta labaad oo ah inay u hordhigaan maxkamadda sare, isaga oo
yidhi “Halkan qaybta aanu idinka sii tusi doono waxa ka sii weyn qaybta
aanu hor-geyn doono maxkamadda.”
Cabdi Aw-Daahir ayaa isna madashaa ka sharxay tirooyinka ka qaldan iyo
sida ay u qaldan yihiin, isaga oo yidhi “Waxa uu KULMIYE ku guulaystay 76
cod.”
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isna
madashaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Anigu ma lihi waxyi
baa samada nagaga soo dega ee waxaanu nahay bini’aadmi qalmi kara,
waxaanuna diyaar u nahay wixii qaldama inaanu qirano, waana lagama
maarmaan in wax la isla saxaa oo wax saxan la isla gudbiyaa”.
Sida uu qaynuunku yahay maxkamadda sare ayey xisbiyadu wixii dacwado ah u
gud-binayaan, isla markaana maxkamadda sare iyada ayaa ku dhawaaqaysa
natiijada kama dambaysta ah, sidaa darteedna marka ay maxkamadda sare ku
dhawaaqdo natiijada kama dambaysta ah ee doorashada ayey rasmi ama sharci
tahay, laakiin arinta xusidda mudani waxay tahay tirrinta codadka ee uu
xisbiga KULMIYE soo bandhigay tirooyin ka qaldamay iyo macluumaad kale oo
dacwadooda la xidhiidha.
Sidoo kale xisbiga UDUB ayaa isna bilaabay inuu baadh-baadho tirooyin ka
qaldan iyo dood la xidhiidha in sanaaduuq ay guddiga doorashooyinku ka
tirtireen ay dacwadooda maxkamadda hor geeyeen si ay ugu dacwoodaan in loo
furo dibna loogu tiriyo codadka sanaaduuqdaa ku jir oo ay rumaysan yihiin
inay inta badan leeyihiin. Hase yeeshee waxa laba-saddexdii maalmood ee u
dambeeyey muuqday dhaqdhaqaaqyo ay labada xisbi ee UDUB iyo isu daba
marayaan xarunta guddiga doorashooyinka, waxaana la rumaysan yahay
cadaadis guddigaa saarrani, kaas oo noqon kara qolo leh waa inaad
arintayada talaabo ka qaadaan iyo qolo leh hadii aad wax talaabo ah
qaadaan baataashuuf, isla markaana ilaa ay maxkamadda dastuuriga ahi ku
dhawaaqdo go’aanka kama dambaysta ah ee natiijada doorashada waxaad moodaa
inay falaadhii cirka loo gannay weli la eegayo.Top
“Komishanka Doorashooyinku Waxay Beddeleen Rabitaankii Dadka,
Xaqna Uma Leh In Ay Dadka Qaar Takooraan” Xubno Degaanka Bariga
Hargeysa Ah (Yuusuf Guruuje Iyo Maxamed F. Caynaashe). |
Hargeysa (Haatuf): Xubno u hadlay beesha
degaanka Hargeysa ayaa guddiga doorashooyinka ku eedeeyey inay ka lumiyeen
xaqii ay u lahaayeen doorashada, iyaga oo sheegay inay guddigu tirtireen
sanaaduuq badan oo ay codadkii dadkaasi ku jireen.
Shirjaraa’id oo ay hudheelka Bile ee magaalada Hargeysa doraad ku qabteen
mudane Yuusuf Nuur Guruuje oo ah mudane ka tirsan golaha wakiilada iyo
Maxamed Faarax Caynaanshe oo ah gudoomiyaha beesha bariga Hargeysa ayey ku
sheegeen inay guddiga doorashooyinku tirtireen ilaa dhawr iyo toban
sanduuq oo ay ku jireen codadkii dadkoodu, taasna waxay ku tilmaameen inay
tahay xaqii ay dadkoodu u lahaayeen inay wax doortaan oo la takooray.
“Ummadda degaankaa waxa lagu sameeyey takoor, komishinkuna awood uma laha
inay dadka takoorraan”ayuu yidhi mudane Yuusuf Guruuje, isaga oo intaa ku
daray “Waxa lagu gefay xaqii aanu lahayn, waxayna guddiga doorashooyinku
tirtireen dhawr iyo toban sanduuq oo ay ku jireen codadkii dadka
degaankayagu, taasna ma garanayno waxa ay ku dhacday, waxaanuna u aragnaa
inay komishanka qaranku bedeleen rabitaankii dadka oo ay wax u maamuleen
sida ay iyagu doonayaan, anaga oo leh xaq uma lihidin guddiyey inaad
takoortaan dadka qaar iyo inaad xuquuqdooda ka qaadaan.”
Sidoo kale Maxamed Faarax Caynaanshe ayaa isna shirkaa jaraa’id ka hadlay,
waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Dhawr iyo toban sanduuq oo ay codadkii
dadkayagu ku jireen ayaa la baabiiyey, taasna ma garanayno waxa ay ku
dhacday, waanuse u fadhinaa sababta dadkayaga loo takooray.”
Waxa kale oo isna shirkaa jaraa’id goob-jooga ka ahaa Maxamed Baarjeex oo
isna ah ganacsade ka soo jeeda degaanka bariga Hargeysa. Laakiin xubnaha
shirkaa jaraa’id ka hadlay waxay sheegeen inay dacwadooda gaadhsiin
doonaan maxkamadda sare, iyaga oo yidhoi “Maxkamadda sare waxaanu marti
uga nahay inay ummadda xuquuqdooda la duudsiyey ee ay ka duudsiyeen
komishanka doorashooyinku qaranku loo soo celiyo xuquuqdoodii laga
baabi’iyey”, waxayna xubnahani guddiga doorashooyinka ku eedeeyeen inay si
sharci daro gacanta ula galeen goobaha cod-bixinta iyaga oo dhinaca ka
dhaafay jarran-jarradii guddiyada ka hooseeya ee heer gobol ilaa heer
degmo, waxa kale oo sababta sanaaduuqdaa loo baabi’iyey tahay xilkasnimo
daro ay iyagu leeyihiin iyo bay yidhaahdeen ujeedooyin weecsan oo cid
loogu danaynayo.
Top
Curashada Roobka Iyo Saameyntiisa Berbera. |
Hargeysa (Haatuf): Dawladda hoose ee Berbera ayaa shalay
bilowday olole ay ku xaadhayso biyo dhoobo ah iyo ciid ay suuqyada iyo
wadooyinka magaalada kaga tageen roobab laxaad leh oo toddobaadkan
magaalada ka da’ay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan
Xaaji Daahir (Casaan) waxa habeenimadii Arbacadu soo gelaysay ee
toddobaadkan magaalada Berbera ka da’ay roob da’ayey inka badan laba
saacadood oo dabaylo wata, isla markaana hilaac iyo Onkod badan, waxayna
ahaayeen roobkii ugu horeeyey ee magaalada hela tan iyo roobabka Gu’gu
curteen toddobaadkan horaantiisii, laakiin inkasta oo aanu badnayn
roobkaasi waxa uu magaalada u geystay waxoogaayo khasaare ah.
Qaar ka mid ah dhismayaasha qadiimiga ah ee magaalada ayaa ka mid ah
meelaha roobku waxyeeleeyey, iyadoo ay guryaha waxyeeladu soo gaadhay
qaarkood ku yaaliin xaafadaha Daaroole iyo Barwaaqo. Hase yeeshee marka la
eego khasaaraha uu roobkaasi geystay waxa ugu weyn khasaare soo gaadhay
mid ka mid ah bakhaarada ganacsadaga la yidhaahdoa Ibraahin Dheere, ka dib
markii uu roobka dabaylaha wataa uu saqafka sare kala degay bakhaarkaa,
taasina ay keentay inay qoyaan ilaa 10’000 oo kabdadood oo Sonkor ah iyo
ilaa 30,000 kartoon oo ay ku jiraan kabo dacas ahi, sidaana waxa weriyaha
Haatufa au sheegay sarkaal ka tirsan shirkadda ganacsiga Ibraahin Dheere
oo magaciisa la yidhaahdo Maxamuud Xasan.
Waxa kale oo magaalada dhex-fadhiya biyo iyo ciid badan oo ay kaga tageen
daadadkii roobku, taas oo maadaama ay magaaladu ku taal dhul xeebeed godan
ay biyuhu dhexfadhiistaan, isla markaana hadii aan si dhakhso ah wax looga
qaban waxa ka dhasha xanuuno iyo nadaafad daro.
Sidaa awgeed dawladda hoose ayaa si ay ula tacaasho nadaafad xumo halkaa
ka dhalata dawladda hoose ayaa bilowday olole nadaafadeed ay magaalada
kaga saarayso biyaha iyo ciidda daadadka ka hadhay.Top
Wefti Ka Kooban Hay’adaha WHO Iyo UNICEF Oo Booqday Tuullada
Darar-Weyne. |
Darar-weyne (Haatuf) Wefti wada jir ah oo ka socday
wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa maalintii doraad
booqasho ku soo maray tuuladda Dararweyne oo ka tirsan deegaanka Hargeysa.
Weftigan oo ay horkacayeen Dr. Waqar Axmed Butt, oo ah xidhiidhiyaha
xafiiska la dagaalanka Kaneecadda ee xafiiska u qaabilsan WHO Somaliland/Soomaaliya,
Dr.Cabdi Kariim Yuusuf Muuse oo isna ka tirsan WHO iyo Mubaarik Maax oo ka
socday hay’adda UNICEF waxa ay ujeedada booqashadoodu la xidhiidhay inay
soo eegaan mashruuc la dagaalanka kaneecadda ah oo ay hay’adahaa iyo
Wasaaradda caafimaadku ka wadaan deegaano ay Dararweyne ka mid tahay, iyo
u diyaar garawga xuska sanad guuradda saddexaad ee maalinta la dagaalanka
kaneecadda ee Afrika oo maanta laga xusayo dalka. Muddadii ay joogeen
Dararweyne waxa ay u kuur galeen sida uu mashruucaasi uga socdo Dararweyne,
iyada oo hore hay’adahaasi ay dadka deegaankaa ugu qaybiyeen
mara-kaneecooyin daweysan, waxa kale oo ka mid ah mashruuca kaluun lagu
dhex beerayo berkadaha iyo ceelasha biyaha, si uu u cuno kaneecadda taaso
la sheegay inay wax tar weyn u leedahay la dagaalanka Kaneecadda.
Weftiga waxa warbixino siiyey Cumar C/laahi Guuleed oo ah madaxa MCH-ka
Dararweyne waxaanu sheegay inay hoos u dhacday tirada dadka qaba xanuunka
kaneecadda intii ay isticmaaleen mara-kaneecooyinka daweysan, isla
markaana kaluunka lagu guray ceelasha biyaha, isaga oo sheegay inay ugu
yaraan 68 ceel ku rideen kaluun ayna ku talo jiraan inay u qaybiyaan
ceelasha kale ee aan weli la gaadhsiin kaluunkaasi. Waxaanu intaa ku daray
inay dadku jeclaadeen Kaluunka markii uu nadiifiyey ceelasha.
Waxa kale oo iyaguna warbixino siiyey qaar ka tirsan odayaasha deegaankaas
oo xaqiijiyey in mara-kaneecooyinka daweysan iyo Kaluunku ay wax weyn ka
tareen ka hortaga xanuunka kaneecadda.
Dr. Waqar iyo Dr. C/Kariim oo ka hadlayey booqashadooda ayaa ka waramay
ahmiyadda uu mashruucani u leeyahay dadka deegaanka iyaga oo intaa ku
daray in mashruucani la bilaabay sanadkii hore, laguna faafiyey deegaano
badan oo ka mid ah dalka. Socdaalkadanina uu la xidhiidho u diyaar garawga
xuska maalinta kaneecadda Afrika oo ku beegan 25/04/03.
Dhinaca kale sida uu ku waramay weriye ka tirsan Haatuf oo la socday
weftigaasi deegaanka Dararweyne oo ah dhul beereed waxa khasaare
gaadhsiiyey roobabka dhawaan dalka ka curtay, iyaga oo roobabku waxyeelo u
geystay beero, ceelal, iyo dugsigii kaliya ahaa ee ay tuuladaasi lahayd,
mar uu wax ka weydiiyey weriyuhu odayaasha deegaanka waxa codsadeen in
lala soo gaadho gargaar bani-aadminimo oo dhinac walba leh, iyaga oo
baaqooda u jeediyey hay’adaha caalamiga ah iyo dawladda Somaliland-ba.Top
Khatarta Xannuunka SARS Oo Si Xawli Ah Ugu Faafaysa Caalamka. |
Peking (W. Wararka) waxa wer wer badan laga qabaa xanuunka
SARS oo dhawaan ka dilaacay dalka Shiinaha haatana la sheegay inuu ku
faafayo dalal badan dunida ah oo uu ka mid yahay dalka Kanada, dalal badan
oo caalamka ka tirsan ayaa haatan bilaabay taxadir ay kaga hortagayaan
faafitaanka cudurkaasi oo la sheegay inuu sidii macno oof-wareen u qabto
dadka.
Xanuunkan SARS oo ah xanuun cusub oo ku dhacaya sambabada waxa la sheegay
inaan ilaa iyo haatan wax dawo ah loo helin isaga oo si deg deg ah oo dhib
yar u faafaya, una gelaya jidhka dadka, iyada oo bacteria-da uu ka
dhashaana la sheegay inay tahay mid deg deg isu bedbedalaysa.
Culimada dhinaca caafimaadku waxa ay wer wer ka muujiyeen xaaladda
cudurkan iyaga oo sheegay inay muddo sanado ah qaadanayso sidii dawo loogu
heli lahaa, sidaa daraadeedna looga baahanyahay dalalka Caalamka
feejignaan farabadan.
Dhinaca kale waxa la sheegay inuu xanuunkani sababay dhibaatooyin dhaqaale
ka dib markii uu shaki geliyey goobo badan oo shaqo oo ka tirsan dalalka
Aasiya waxaanay laga digay inay taasi sii kordhi doonto sanadaha soo socda.Top
Golaha Ammaanka Oo Ogolaaday Iib-Geynta Saliidda Dalka Ciraaq. |
New York (W. Wararka) Golaha amaanka ee qaramada Midoobay
ayaa isku raacay in muddada loo kordhiyo barnaamijka saliida Ciraaq loogu
soo bedelo cuntada, ilaa laga gaadhayo bisha June ee soo socota.
Barnaamijkan oo ah mid ay fuliso qaramada midoobay waxa debadda loo
iibgeeyaa saliida dalka ciraaq iyada oo loogu soo bedelo dadka reer Ciraaq
cunto iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin kaasoo bilaabmay 1996-kii, balse
waxa la hakiyey muddadii uu socday weerarkii ay xulufadu ku qaadeen Ciraaq,
ilaa muddadaana wax saliida oo ay Ciraaq leedahay debadda looma iibgeyn
balse waxa la sheegay inay keyd ahaan ugu yaalaan saddex iyo toban bilyan
oo dolar, oo haatan dawo iyo cunto ugu filan dadka reer Ciraaq.
Dhinaca kale Kofi Anan ayaa ugu baaqay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska
inay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah ee u yaala xuquuqul insaanka isla
markaana ay siii daayaan dadka ay maxaabiis ahaanta u hayaan. Kofi Anan
waxa kale oo uu cambaareeyey weerarka ay xulafadu ku qaaday dalka Ciraaq
iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka helin golaha amaanka ee Qaramada
midoobay.
Wararka ka imanaya magaalada Baqdaad ayaa iyaguna waxay sheegayaan in
Sahiir Daalib oo ahaa madaxa sirdoonkii dalka Ciraaq inuu isku dhsiibay
ciidamada Maraykanka waxaanu sheegay inaanu isagu ahayn dambiile dagaal
balse uu qaadanayey amaradii Sadaam Xuseen maadaama aan la ogolayn in
ciidamada laga tago fasax la’aan, waxaanu rajeeyey in xukuumadda cusub ee
Ciraaq noqoto mid cadaalad ku shaqaysa.Top
Burco: Dareenka Xasaasiga Ah Ee Ka Dhashay Natiijadii Doorashada Iyo
Go’aanka Mar Labaad Loo Dheg-Taagayo. |
Burco (Haatuf): Roobabka gu’ga, ayaa si weyn u maansheeyay
magaalada Burco, waxaana suuqyada magaalada dhex-jiifa biyihii iyo
dhoobadii ay roobabku ka kaceen, laakiin dhinaca kalena waxa magaalada ka
dhex-guuxaya dareemo siyaasadeed oo ka dhashay doorashadii dalka ka
dhacday.
Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan, ayaa warbixin nooga soo diray
magaalada Burco, isagoo ka soo waramay xaaladda roobabka iyo dareemada
siyaasadda, waana tan warbixintii.
“Magaalada Burco, waxa maalmihii u dambeeyay maansheeyay roobabkii gu’ga,
laakiin ilaa hadda lama oga wasx khasaare ah oo ay roobabku geysteen,
waxaase magaalada dhexjiifa biyio dhooqoobay oo ay roobabku ka kaceen.
Dhinaca kalena, waxa cirka ku gedfan darruuro marba dhinac ka hooraya,
taas oo laga yaabaa in aad maalmaha qaar marar dhif ah aragto cadceedda,
iyadoo ay roobabku ka da’een meelo badan oo ka id ah degaamada gobolka
Togdheer, waxayna roobabka gu’gu curteen xilli ay abaar ba’ani hayso dadka
iyo xoolaha, iyadoo ay dhibaatada ugu darran ee dadka reer guuraaga ah
faraha baas ku haysay ahayd biyo iyo baad la’aan, laakiin barwaaqada
hoortay dadka reer Burco inta badan is kama waraystaan, waxayna kaga
mashquuleen dareenka iyoi wararka siyaasadda ee la xidhiidha
doorashooyinkii Madaxtinimada dalka ka dhacay 14-kii April. Dadka reer
Burco, waxay aad ugu dheg-taagasyaan wararka natiijada doorashada ee ay
doodoodu weli taagan tahay, waxayna dhegtoodu u janjeedhaa dhinaca
Hargeysa oo la sugayo waxa ka soo yeedha.
Xisbiga KULMIYE ee mucaaradka ah, ayaa doorashadii dhacday codadka ugu
badan ka helay dadka reer Burco, sidaa darteed intii aan natiijada lagu
dhawaaqin sabtidii toddobaadkan, taageerayaasha xisbiga KULMIYE ayaa
magaalada ka waday damaashaad iyo sawaxan farxadeed, kadib markii ay
heleen tibaaxo warreed oo sheegaya inuu xisbigoodu guulaystay, laakiin
galabnimadii sabtidii markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen
natiijadii doorashada, sheegeena inuu xisbiga UDUB ku guulaystay 80 cod,
waxay taasi fir-kanax iyo lama filaan ku noqotay dad badan, gaar ahaan
taageerayaasha KULMIYE, waxayna markiiba muujiyeen dareen cadho leh,
taasina waxay keentay in kooxo ka tirsan ciidamada ammaanka lagu soo dhex
daayo magaalada, iyada oo ay madaxda dawladda Burco ka baqo qabeen gadood
iyio mudaharaadyo nabadgelyo-darro keena oo ka yimaadda taageerayaasha
xisbiga KULMIYE. Laakiin ciidamada waxa hafiyay dad badan oo
taageerayaasha KULMIYE ah, kuwaas oo ay BBC-du sheegtay warkii natiijada
iyaga oo cadhaysan isu soo baxay, kadibna magaalada marba dhinac u qaaday,
waxayse si gaar ah bartilmaameed uga dhigteen meelaha ay ku yaaliin
xafiisyada xisbiga UDUB, waxayna burburiyeen mid ka mid ah xafiisyada UDUB
ee magaalada Burco, isla markaana waxa yara ruxmay jawiga nabadgelyo ee
magaalada, laakiin Madaxda dawladdu wax tallaabo ah kama qaadin arrimahaa,
waxaase jirta guddi guddi iskood isu abaabulay oo ka kooban guddiga la
magac-baxday “Guddiga Wanaag-Farista” iyo niman odayaal ah, kuwaas oo
dadka ku guubaabiyay in ay nabadgelyada iyo deggenaanshaha magaalada
ilaaliyaan.
Sidoo kale, waxa habeenadii Salaasadda ee toddobaadkan kulan yeeshay qaar
ka tirsan Salaadiinta Burco, waxaanay Salaadiintani kulankooda kaga
arrinsanayeen sidii looga hortegi lahaa mudaharaad ballaadhan oo laga
baqayey in ay taageerayaasha KULMIYE ku dhaqaaqaan maalinimadii Salaasadda,
sidaa awgeed waxay Salaadiintani ka hawl-galeen sidii loo joojin lahaa
mudaharaadkaa.
Sidoo kale, hawl-wadeenada xisbiga KULMIYE, ayaa iyaguna baabuur
makarafoono ku xidhay oo taageerayaashooda ku wargeliyay in mudaharaadkaa
la joojiyo, dabadeedna waxay dhaqdhaqaaqyadaasi sababeen inuu sidaa ku
joogsado mudaharaadkii la qorshaynayay. Hase yeeshee, inkasta oo ay
xaaladdu hadda yara deggan tahay, haddana arrintu sidaa kuma dhammaan,
waxayna dadku hadda u dheg-taagayaan bal waxa mar labaad ka soo yeedha
Maxkamadda Sare ee la sheegay in ay ku dhawaaqayso go’aanka kama-dambaysta
ah ee natiijada doorashada.”Top
Machadka IPRT Oo Tababar U Furay Hawl-Wadeeno Ka Kala Socda Hay’adaha
Dawladda. |
Hargeysa (Haatuf): Macxadka tababarka iyo daraasadda ee
IPRT, ayaa tababar u furay xubno ka socday Golayaasha Baarlamaanka
Guurtida iyo Wakiillada, hawl-wadeeno ka socday Wasaarada Maaliyadda,
Dawladda Hoose iyo Baanka Somaliland.
Tababarkaas oo maalintii dorraad ka furmay xarunta xafiiska IPRT ee
magaalada Hargeysa, waxayna ka qayb-galayaashu ku baranayaan casharo la
xidhiidha hawlaha maamulka iyo maaraynta miisaaiyadda, qaabka loo maamulo
maaliyadda iyo sida loo soo bandhigo xisaabaadka ama loo derso ee
warbixinta looga diyaariyo arrimaha dhaqaalaha. Waxa kaloo ka
qayb-galayaasha loo qaybiyay qoraalo tilmaamaya sida loo sameeyo
warbixinaha iyo caddaymaha loo baahan yahay ee qaab xisaabeedka maaliyadda
iyo sida loo ilaaliyo hantida dawladda iyo ilaha dhaqaalaha.
Tababarkan oo ahaa mid ahmiyad weyn u leh ka qayb-galayaasha, waxa soo
qaban qaabiyay Macxadka tababarada iyo daraasadda IPRT oo uu madax ka
yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise, waxana casharadaa bixinayay Cali Guuleed oo
khabiir ku ah arrimaha Maamulka Maaliyadda, xisaabaadka iyo dhaqaalaha ee
caalamiga ah, isla markaana waayo-aragnimo ka badan labaatan sannadood u
leh Maamulka iyo Maaraynta Xisaabaadka.Top
IFTIINKA ISLAAMKA, S. Guraase. |
Xulashada Asaxaabtii Rasuulka: Al Rabiic Binu Siyaad Al
Xaarisi
Waxay ahayd goor ay magaalladii Rasuulka (scw) ee Madiina aanay weli
hilmaamin murugadii uga timid geeridii khaliifkii muslimiinta ee Abuubakar
Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee. Waxay ahayd xilli ay wufuuddii ka kala
imaanayay jihooyinkii kala duwanaa, si ay u doortaan Cumar Binu Khadaab,
iyagoo ballan kula galaya inay siiyaan maqal iyo aqbalitaan waqti kasta oo
lagu jiro. Haddaba, goor subax ay tahay ayaa waxaa Amiiral-mu’iniinkii
cusbaa u soo galay wafdi ka yimid Baxrayn, waxaa wafdigaas la socday kooxo
kale oo iyagana la socday wafdiga. Allaha ka raalli noqdee, Cumar Binu
Khadaab wuxuu si xiiso ay ku jirto u dhageysanayay hadalladii iyo
dardaaramadii ay u soo jeedinayeen wufuuddaas, bal si uu uga helo talooyin
iyo tusaale wax ku ool ah oo isaga anfacda.
Cumar oo ay saamaysay waanadii Al-Rabiic.
Wuxuu Cumar Binu Khadaab hadalka u fasaxay wufuuddii, hase ahaatee
hadalladoodii ma aanu ka helin hadal naftiisa sidaas u sii saamaysay,
wuxuuna markii danbe milicsaday nin uu kheyr ka fishay, ninkii ayuu u
baaqay inuu hadlo, wuxuuna ku yidhi “bal adigana soo daa waxaad hayso”.
Ninkii wuxuu ku mahadiyay Eebbe (scw), wuuna amaanay, dabadeedna wuxuu
yidhi:- “adiga amiiral-mu’miniinoow waxaad ogaataa inaanan ummadda madax
lagaaga dhigin aan ka ahayn inay tahay imtixaan uu Alle kugu imtixaanayo,
ee Alle uga cabso wixii madax lagaaga dhigay, waxaadna ogaataa in haddii
hareeraha webiga Furaat ay ku lunto neef adhi ah in xaggeeda lagaa weydiin
doono maalinta qiyaamaha.”
Cumar Binu Khadaab waxaa si weyn u saamaysay hadalkii uu yidhi ninkaas,
markaasuu ooyay, wuxuuna yidhi “ma jiro qof laga soo billaabo markii aan
khaliifka noqday iigu run sheegay sidaad adiga runta iigu sheegtay, ee
kumaad tahay adiga?” Wuxuu yidhi “Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi”.
Cumar ayaa haddana weydiiyay “oo ma waxaad la dhalatay Haajir Binu Ziyaad?”.
Wuxuu yidhi “haa”Markii ay dadkii ka kala dareereen fadhigii uu fadhiyay
Amiiral mu'miniinka Cumar Binu Khadaab, ayaa Cumar ku yidhi Abuu Musa Al-Ashcari
“waxaad noo soo ogaataa arrinka ku saabsan ninkaan, hadday daacad ka tahay
hadalkiisaas waxaa hubaal ah inuu kheyr fara badan wato, isla markaasna uu
noo noqon karo kaalmo weyn”. Kama soo wareegan waqtigaas wax yar, ilaa
maalintii danbe uu Abuu Muusaa Al-Ashcariy ka diyaariyay ciidankii
furanayay magaallada “MANAADIR” kana tirsan gobolka Al-Ahwaz, isagoo
markaas fulinayay amarkii uu siiyay khaliifka muslimiinta ee Cumar Binu
Khadaab. Wuxuu Abuu Muusa ku daray ciidankii muslimiinta Al-Rabiic Binu
Ziyaad iyo walaalkiis Haajir Binu Ziyaad.Furashadii Manaadir Ciidankii uu
hoggaaminayay Abuu Muusa waxay go’doomiyeen magaalladii Manaadir, waxayna
gaalladii degganayd halkaas la galeen dagaal aad u weynaa oo si daran
labada dhinac loogu hoobtay.
Ciidankii gaallada waxay soo bandhigeen xeelad dagaaleed oo sarreysa,
taasoo sababtay in ciidamadii muslimiinta laga laayo tiro aad u fara
badan.Iyagoo sooman ayeey dagaalamayeen Maalintaas ay muslimiinta dagaalka
galayaan waxay ahayd bil Ramadaan, sidaa darteed waxay muslimiinta
dagaalamayeen iyagoo sooman. Markii uu Muhaajir oo ay walaalo ahaayeen Al-Rabiic
Binu Ziyaad arkay in dhimmashadii muslimiinta ay sii badanayso ayaa wuxuu
goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha Eebbe (sw), oo uu
markaas naftiisa jidka Alle dartii u qaddimo. Sidaa darteed wuxuu is
mariyay barafuunka ama cadarka la mariyo meydka, wuuna is kafnay, isagoo u
dardaarmayna walaalkiis.Maadaama uu Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli
noqdee wuxuu jeclaystay in walaalkiis iyo ciidamada muslimiintaba ay
afuraan, wuxuuna u tagay Abuu Muusa Al-Ashcariyi oo hoggaaminayay ciidanka,
wuxuuna ku yidhi “ninkii Muhaajir ahaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku
iibsado raalli ahaanshaha Eebbe (sw) weliba isagoo sooman, muslimiintiina
waxaa isugu darsamay dagaalkii qadhaadhaa iyo iyagoo sooman, taasoo
tabar-yareysay niyaddooda, wayna diideen inay afuraan ee wixii kula quman
bal samee”. Abuu Muusa Al-Ashcariyi ayaa istaagay isagoo u dhawaaqaya
ciidanka, wuxuuna ku yidhi: “muslimiinoow waxaan goostay oo go’aansaday in
qof kasta oo sooman uu afuro, ama uu isaga hadho dagaalka”, wuxuuna soo
qaatay weyso biyo ku jiraan, sidiina ayuu biyihii ku cabbay, si dadkana ay
u raacaan oo ay iyagana afuraan, maadaama uu yahay amiirkooda ay waajib
tahay inay hadalkiisa aqbalaan.
Markii uu Muhaajir maqlay hadalkii uu yidhi Abuu Muusa ayaa wuxuu biyihii
kabaday hal ilaa, wuxuuna yidhi “ wallaahi uma cabbin oon i hayay dartii,
hase ahaatee waxaan meel marinayay dhaartii uu dhaartay amiirkayga”. Waana
tarbiyad ay ka barteen macalinkoodii weynaa ee Rasuulka (scw), oo wuxuu
xaddiis macnihiisa ahaa ku yidhi isagoo arrintan ka hadlayaya "qofkii
aqbala amiirkayga waa qof i adeecay". Madaxii Muhaajir oo la gooyay,
lagana soo laalaadiyay meel sare Intaa kadib, wuxuu Muhaajir seeftiisa
kala soo baxay galkeedii, sidiina ayuu ku galay dagaalkii. Wuxuu
seeftiisii ku kala beeray safafkii dagaalka, wuxuuna billaabay inuu si
geesinimo leh oo aan cabsi ku jirin uu dhulka u dhigo gaalladii uu la
dagaalamayay.
Inkastoo uu Muhaajir muujiyay wacdarradaas weyn, haddana waxaa markii
danbe korkiisa dhinac weliba ka haleeshay seefihii iyo warmihii ay soo
tuurayeen gaallada, ilaa markii danbe uu dhulka ku dhaco isagoo dangiigan
oo meyd ah. Dhinaca kale, waxay gaalladii si aan naxariis lahayn u soo
goosteen madaxii Muhaajir, waxayna ka soo laa-laadiyeen meel sare oo
goobta dagaalka ka mid ahayd. Al-Rabiic: waan ku aargudi doonaa Al-Rabiic
Binu Ziyaad ayaa eegay walaalkiis Muhaajir oo madaxiisa ka soo laalaada
meel sare, markaasuu si ay sugnaansho iimaaneed ku jirto u yidhi "alla
ayaan badnidaa, waxaana kuu sugnaatay meel loo dheelmado meeshii ugu
wanaagsanayd", wuxuuna ula jeeday Jannada. Dhinaca kale, wuxuu Al-Rabiic
ballan ku galay inuu u aargudi doono walaalkiis, wuxuuna yidhi "wallaahi
ayaan ku dhaaranayaa inaan kuu aargudi doono adiga iyo muslimiinta la
laayay-ba inshaalah".
Wuxuu la wareegay hoggaaminta ciidanka.
Markii uu arkay Abuu Muusaa Al-Ashcariyi sida uu Al-Rabiic uga walbahaaray
geerida sida saxariirta leh ugu timid walaalkiis, ayaa waxaa la qumanaatay
inuu hoggaaminta ciidanka uu uga tanaasulo Al-Rabiic, sidii ayuuna Rabiic
ula wareegay hoggaaminta ciidanka, waxayna tageen magaallada Suus si ay u
furtaan. Ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Al-Rabiic ayaa sidii
hufadii oo kale hal mar u galeen goobihii ay degganaayeen gaallada. Dagaal
ba'an oo dhex maray ciidamadii muslimiinta iyo gaallada kadib, wuxuu Eebbe
(sw) sabab uga dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad inuu furto magaalladii la
odhan jiray Manaadir.
Waxay muslimiintii laayeen dagaalyahaniintii gaallada ahaa, waxayna soo
qafaasheen ubadkoodii, iyagoo hantidoodiina intuu Alle doonay qaniimaystay
(qaniimada waa hantida laga soo helo jihaadka).
Xiddigii Al-Rabiic oo soo baxay.
Dagaalkii Manaadir kadib waxaa iftiimay xiddiggii Al-Rabiic Binu Ziyaad,
wuxuuna magaciisa ku faafay carab kasta iyo guud ahaan muslimiintii
waqtigaas. Wuxuu ka mid noqday Al-Rabiic Binu Ziyaad madaxda sare loo eego,
kuwaasoo iyaga looga fursan waayo markay xaaladdu qadhaadhaato.
Muslimiintii markay goosteen inay furtaan gobolka Sijistaan waxay ballan
adag ku galeen inuu Rabiic la wareego hoggaaminta dagaalkaas, iyagoo ka
rajo qabay inuu u soo hoyan doono guulo waaweyn. Ciidamadii uu
hoggaaminayay Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa waxay u kicitimeen dhulka
Sijistaan iyagoo jidka Alle ku duulaya. Wuxuu Al-Rabiic mariyay
ciidankiisa dhul lama galaan ah oo aad u dheer aadna khatar u ah. Socod
dheer kadib, magaalladii ugu horeysay ee uu la kulmay waxay ahayd
magaallada loo yaqaano Rustaaqu Zaaliq, magaalladaan oo xad la leh
magaallada Sijistaan, waxayna ahayd magaallada Rustaaqu Zaaliq magaallo
aad u cammiran, lehna daaro aad u dhaaheer, sidoo kale wax soo saar badan.
Waxaa magaallada ku hareereesnaa dhufeysyo aad u waaweyn.
Halyeygii geesiga ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu intii aanu
magaallada gelin wuxuu u diray ilaalo ciidamadiisa ka mid ah, si ay u soo
indha-indheeyaan xaaladda magaallada, waxayna ilaaladii soo ogaadeen inay
dadka deggan magaalladaas ay u dabaaldagi doonaan xaflad ay leeyihiin.
Wuxuu Al-Rabiic la beegsaday qabashada magaallada habeenkii ay dhiganayeen
xafladda, sidiina ayuu si kedo ah dagaal ugu qaaday iyagoo ku mashquulsan
xafladdooda.
Guddoomiyihii oo isna la qafaashay.
Gaallada raggoodii ciidamada ahaa wuu laayay Rabiic, halka uu soo
qafaashayna kuwo kale oo gaadhayey ilaa 20 000 qof, waxaana ku jiray
kuwaas la soo qafaashay guddoomiyihii magaalladaas. Sidoo kale, waxaa
kaloo dadkii la qafaashay ku jiray addoon u shaqayn jiray guddoomiyaha
degmada, wuxuuna haystay markaas lacag gaadhaysa 300 000 oo dirham, (lacag
aad iyo aad u fara badan) si uu u siiyo sayidkiisa. Al-Rabiic ayaa ku
yidhi ninkii "halkeed ka keentay lacagtan faraha badan?!"
Wuxuu yidhi "waxay ka timid mid ka mid ah tuulooyinka uu xukumo sayidkayga".
Al-Rabiic ayaa ku yidhi "ma tuullo kasta waxay bixisaa lacagtaan oo kale
sannad kasta". Wuxuu yidhi "haa". Al-Rabiic ayaa yidhi "siday ku dhacday?!".
Wuxuu yidhi "lacagtaan waxaan ka soo saarnaa faasasyadeena iyo dhididkeena"
oo uu ula jeeday lacagtaas waa waxaan soo shaqaysanay oo aan ku soo
tacabnay. Muslimiintii oo helay hanti fara badan Markii uu qaboobay
dagaalkii, ayaa waxaa Al-Rabiic Binu Ziyaad oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka
u yimid guddoomiyihii degmada, isagoo doonaya inuu bixiyo lacag furasho
ah. Al-Rabiic ayaa ku yidhi "waan ku sii deenayaa haddaad muslimiinta u
badiso lacagta furashada". Guddoomiyihii degmada "imisaad doonaysaa?". Al-Rabiic
Binu Ziyaad "waxaan dhulka ku qotominayaa warankan, dabadeedna waxaad
korkiisa ku shubaysaa dahabka kiisa huruudka ah iyo fiddada ama qalinka
ilaa aad ka qariso qarin". Guddoomiyhii degmada wuxuu yidhi "waan
oggolahay", wuxuuna kaasafoortadiisa ka soo saaray dahabkii kala duwanaa,
isagoo warankii dhulka lagu qotomiyay korkiisa ku shubay ilaa dahabkii ay
qariyaan waranka.
Furashadii Sijistaan.
Saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee
waxay ciidankiisii guuleystay guda galeen markale sidii ay u furan
lahaayeen gobolka Sijistaan. Dagaallo daran kadib, waxaa is fur-furay
dhufeysyadii ku hareersanaa Sijistaan. Dadkii degganaa magaalooyinka iyo
tuulooyinka waxay billaabeen inay soo dhoweeyaan ciidamadii Al-Rabiic Binu
Ziyaad, iyagoo A-l-Rabiic ka dalbanaya nabadgelyo ka hor intii aanu ula
bixin seefaha ilaa uu markii danbe ka gaadho magaallada Zaranj oo ahayd
xarunta gobolka Sijistaan.
Waxyar kadib maba la joogin, ilaa ciidamadii gaallada ay u diyaar
garoobaan inay dagaal ku qaadaan ciidamada muslimiinta, waxayna isaga
yeedheen meel kasta, si ay u difaacdaan magaalladoodii istiraatiijiga
ahayd, arrintaasina wax kasta ha ku qaadatee. Labadii ciidan waxaa dhex
martay dagaal si ba'an labada dhinac loogu hoobtay, iyadoo labada ciidanba
ay ka dhinteen dad aad u badan.Markii ay ciidamadii muslimiinta ay u soo
muuqatay guushii dagaalka ayaa guddoomiyihii gaallada ee la odhan jiray
Barweez guda galay siduu ula heshiin lahaa Al-Rabiic Binu ziyaad, bal si
uu isaga iyo tolkiisa ay u helaan wax u dhaama dhimmashada kaga imaanaysa
dagaalka. Barweez wuxuu ergo u diray Al-Rabiic Binu Ziyaad, isagoo
weydiisanaya inuu u sameeyo madal ama ballan uu kula kulmo, si uu ugala
xaajoodo nabad, wuuna ka aqbalay Al-Rabiic dalabkaas. Al-Rabiic Binu
Ziyaad ayaa amray ciidamadiisa inay diyaariyaan goobtii uu kula kulmi
lahaa Barweez, wuxuuna ciidankiisa ka dalbay in hareeraha goobta kulanka
lagu soo daadiyo meydadkii gaalladii reer Furus ee dagaalka lagu laayay,
iyo sidoo kale in meydad kale lagu daadiyo waddada labadeeda dhinac ee uu
soo mari doono Barweez.
Wuu cabsanayay qofkii arkaa.
Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu ahaa nin aad u dheer, lehna midab maariin,
aadna u xoog badan. Cabsi ayaa lagu tuurayay qofkii arka Al-Rabiic.
Barweez markii uu u soo galay Al-Rabiic waxaa durbadiiba gashay cabsi aad
u weyn, cabsi awgeed ayuu ku sigtay inay nafta uga baxdo, kadib markii uu
arkay meydadkii dadkiisii laga laayay ee lagu daadiyay waddada. Ma aanu ku
dhiiran Barweez inuu u soo dhowaado Al-Rabiic si uu u salaamo. Wuxuu ka
cabsaday in la dilo, hadal gango leh oo laga dareemayo cabsi daran ayuu
kula hadlay Al-Rabiic, isagoo ballan kula galay inuu u soo saaro 1000 wiil
oo dhalinyaro ah, uuna mid kastaana madaxiisa saaro koob dahab ah, sidiina
ayuu Al-Rabiic Binu Ziyaad uga aqbalay dalabkii ka yimid Barweez.
Maalin aad u weyn ayey ahayd.
Maalintii xigtay wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad soo galay magaalladii, iyagoo
dadkii degganaa magaallada-na ay garab socdaan tahliishii (Laa ilaaha
Illallaah) iyo takbiirtii (Allahu akbartii) ay qaadayeen muslimiinta.
Waxay ahayd maalin aad u weyn oo ka mid ahayd maalmaha Eebbe (sw), sidiina
ayuu A-Rabiic Binu Ziyaad sabab ugu noqday inuu furto magaalooyin fara
badan oo ka mid ahaa dhulkii ay degganaayeen reer Furus. Wixii intaa ka
danbeeyay, wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad ahaa geesigaas ay muslimiinta u
kaalmaystaan ka hortagga cadoowga Alle ilaa markii danbe dowladdii
islaamka ay gacanta u gasho qoys la yidhaahdo reer Banii Ummaya.
Al-Rabiic oo madax looga dhigay Khuraasaan.
Magaalladii Khuraasaan ee la xoreeyay waxaa madax looga dhigay Al-Rabiic
Binu Ziyaad kadib markii uu u magacaabay Mucaawiya Binu Abii Sufyaan. Hase
ahaatee, Al-Rabiic Binu Ziyaad kuma qalbi fiyoobeen madaxnimadaas, oo
wuxuu jeclaa in aanu madax noqon, weliba wuxuu sii dhibsaday markii uu
warqad ka helay ninka la yidhaahdo Ziyaad Binu Abiih oo ka mid ahaa
madaxdii waaweynaa ee reer Banii Ummaya, dhinaca kalena ka mid ahaa raggii
dilay Xuseen Binu Cali wiilkii uu awoowga u ahaa Rasuulka (scw). Warqaddii
loo soo diray Al-Rabiic, ayaa waxaa ku qornaa hadalladan “amiiral
mu’miniinka Mucaawiye wuxuu ku amrayaa inaad dahabka kiisa huruudka ah iyo
kiisa cad (qalinka) kana mid ah qaniimooyinka jihaadka aad u dhigtid
bankiga dhexe ee muslimiinta, wixii intaas ka soo hadhana aad u qaybisid
mujaahidiinta”, taasina waa mid si toos uga hor imaanaysa qodobbada ku cad
nusuusta qur’aanka.
Waxaan ognahay inuu Eebbe (sw) qaybiyay sida loo kala qaadanayo hantida
laga soo helo jihaadka, iyadoo shan qaybood qayb la dhigayo baytul-maalka,
halka inta soo hadhayna loo qaybinayo mujaahidiinta, iyadoo uu qaybinayana
amiirka jihaadka.
Noloshii waan ka Daalay.
Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi dalabkaas si daran ayuu ugu gacan sayray,
wuxuuna warqad uu ugu jawaabayo Ziyaad Binu Abiih ku yidhi "waxaan
kitaabka Alle ka helay amar ka duwan kii aad igu soo amartay magaca
amiiral-mu'miniinka", dabadeedna dadkii ayuu isugu yeedhay isagoo u
dhawaaqayana wuxuu ku yidhi "ku soo kallaha qaniimooyinkiinii oo kaalaya
qaata", wuxuuna maalkii qaniimada shan meelood meel u diray bankiga dhexe
ee muslimiinta ee Dimishiq. Maalintii jumcada ee xigtay markay timid,
wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad u soo baxay salaaddii jumcada isagoo xidhan
dhar cadcad. Dadkii ayuu u jeediyay khudbaddii jumcada, dabadeedna wuxuu
yidhi "dadoow waan ka daalay noloshan ee waan duceenayaaye ee aamiin ii
dhaha ducadayda" kadibna wuxuu ku duceystay "Ilaahayow haddaad kheyr ila
doonaysid xaggaaga ii qibloow oo i oofso si degdeg ah oo aan dib dhigid
lahayn", dadkiina ducadiisa ayeey aamiin u yidhaahdeen. Maalintaas
qoraxdeeda ma dhicin ilaa uu ka dhinto saxaabigii geesigii ahaa ee dunidan
dhow ka doortay la kulankii Eebbe (sw). Ilaahay ha ka raalli noqdo, hana u
naxariisto saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi.Top
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan
Caaro-dhuub Q:29aad. |
Marka ay garanayaan labada qof ee wax ka dhexeeyaan oo
kala ah: Muduci iyo Mudaacale, waxa hadalka ku horeeya mudcuga (qofka wax
tirsanaya), wuxuuna hadalkiisa ku bilaabayaa (Islaam Allay erey wayga duco,
erey wayga didiif, erey wayga dacwi, ereyna wayga maluug”.
Laakiin khasab maaha in sidaa lagu bilaabo, waayo maluugtu marwalba ma soo
gasho ee mararka qaarkood ayey soo gashaa. Sidaa awgeed, ragga muduciga ah
qaar baan ducaba hadaladooda ku bilaabin ee yidhaahda “Saddex erey iyo
maluug baan ka hadlayaa’ ereyga ducada sababta hadalka garaha loogu
bilaabaa waxay tahay maadaama aynu dad muslim ah nahay, sidaa awgeed
bisinka ka dib waxa la yidhaahdaa faataxadda inoo mara, waa la maraa, ka
dibna waxa la yidhaahdaa “Waxa yidhi faataaxo dabadeed lama hadlo, haddii
la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo”.
Intaa ka dibna waxa uu muducigu intaa raacinayaa ereygii ducada ahaa,
wuxuuna odhanayaa “Inteenan iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda
muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka
baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo Illaahay xaqiisa, ninkii aan wax
lahayna aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn.”
Didiif: Waa ereyga didiif macnihiisu waa afeef, waxaana didiifta la
odhanayaa “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaan wixii hadhi
jiray iga hadhan, iyo weedho kale”,laakiin had iyo goor marka la garamayo
waa lays-xujayn jiray, bal aynu tusaale ahaan nin la odhan jiray Axmed
Koorjaan ayaa nin kale oo ay ilmadeer yihiin oo la yidhaahdo Aw Maxamuud
Muuse uu geenyo ku qabsaday, ka dibna waxa l a yidhi Koorjaan la gar-naqso
Aw -Maxamuud, dabadeedna wuxuu yidhi “la garnaqsan maayo ilaa saddex la
helo, ciddii soo gole fadhiisin lahayd, ninkii garta u sheegi lahaa iyo
ninkii ku odhan lahaa waa lagaa gar helay”, dabadeedna waxa lagu yidhi
“Ninkaa waxa soo gole-fadhiisinaya Ducaale Cilmi, gartana waxa ku naqaya
Maxamed Faarax (Ina Sanweyne), marka aad geenyadaada heshana waxa ka soo
qaadaya Seed Cawed”. Ka dibna koorjaan wuxuu yidhi “Haddaan la gar-naqsanayaa”,
laakiin waxa kale oo uu shardi uga dhigay dhawr arrimood wuxuuna yidhi
“Aniga gartayda ma gelayo nin aan Ilaahay aqoon, anigana I aqoon, Aw
Maxamuud ma yaqaan”, ka dibna ragga sifooyinkaa leh waa laga saaray
guddidii garta saarayey iyada oo ay ragga la xulay shardi looga dhigay
inuu yahay nin Ilaahay yaqaan, isla markaana aan labada nin ee loo gar-naqayo
midna ugu xilan, laakiin Koorjaan markhaatigana wuu daadefeeyey, wuxuuna
yidhi “Aniga saddex gartayda kama markhaati-galaan, kuwaas oo ah
Nac-fijiid, Naas-jiid iyo Lug-jiid”.
Nacfi-jiid wuxuu ula jeedaa ninka wax la siiyo.
Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (abtiga loo yahay).
Lug-jiid waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo yahay,
sidaa awgeed Axmed Koorjaan wuxuu yidhi “Saddex nin midna markaati iguma
furo.”
Dabadeed markii gartii la riday ee Axmed Koorjaan uu geenyadii helay ayuu
ina Sanweyne yidhi “Geenyadii waa laga helay Aw Maxamuud, waxaana helay
Axmed Koorjaan” ka dbna Seed oo ahaa ninkii la doonayey inuu geenyada ka
soo qaado Aw Maxamuud ayaa arrinta hore u dhaabbadayn waayey dabadeedna
waa marka uu ina Sanweyne leeyahay “Aniga garta sheeg baa laygu yidhi ee
ku dirir layma odhan”, xikmadaasina waxay doorantahay “Seedow adigaa
hawshaa leh oo lagaa sugayaa.”
La soco.Top
JILBO-DHIIG: Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax, waxana Tifaftiray
Axmed Ducaale Q: 29aad. |
Saynab waxay seygeeda ku baddisay canaanta iyo Af-xumada,
waxayna dabada u qabatay ereyo, midba mid ka dhanaan yahay ama ka qalafsan
yahay, dabadeedna Biixi waxa markii dambe saaqday bahal cadho ah, ka
dibnaisaga oo aan is-ogeyn ayuu ooridiisii Saynab oo wax talaabo ka yar u
jirta bahal dhirbaaxo ah la tiigsaday, wuxuuna taabtay labada indhood.
Saynab markii ay haleeshay dhirbaaxadii kululayd waxay u foorarsatay hoos,
waxaana indhaha ka soo duulay hoor kulul (Ilmo), laakiin Biixi gacan dambe
uma qaadin Saynab, wuxuuna isaga oo cadho la madax maran ayuu sariirtiisii
isku tuuray, dabadeedna intii bustihiisii isku duubay ayuu madaxa iyo
minjaha maray, hase yeeshee Saynab markii ay ka go’day xanaftii kululayd
ee dhirbaaxaddu ayey deg deg telefoonka u qabsatay, waxayna la hadashay
saldhiga booliska, ee Xaafadooda, taas oo ay u sheegtay inuu ninkii dilay,
dabadeedna shan daqiiqo kadib waxa albaabkii guriga isa soo taagay unug
boolis ah oo baabuur wadata,, ka dibna albaabka ayey garaaceen, waxaana
markiiba albaabkaa fag ka siisay Saynab oo albaabka foodda ku soo haysay,
dabadeednaa ninkii Biixi ayaa katiinad lagu jebiyey, waxaana loo taxaabay
xabsiga, taasina waxay noqotay dhacdo fool xun oo xadhiga uu sii giijisay
calool-xumada Biixi iyo Ooridiisii Saynab, waxay u muuqdaan dad kala
dhintay oo xumaanta dhextaal daxalaysatay. Sidaa darteed Biixi markii
xabsiga lagu riday ooridiisii Saynab ka daba-tag iska dhaafoo xataa may
odhan tolow xabsigee la geeyey, laakiin maalintii Biixi la xidhay
maalintii ku laba ahayd waxa gurigii ku soo dhacay Telefoon, waxaana
telefoonkan soo diray odaygii Biixi aabihii oo ay abaaro iyo raashin
la’aani miyigii ku heshay, ka dibna is yidhi wiilkaagii la hadal, bal inuu
waxoogaa kuu soo tuuro, hase yeeshee odaygu waxa uu magaalada soo galay
isaga oo aan shilin haysan, laakiin markii uu dhawr cisho war-wareegayey
oo uu waayey wax uu telefoon ku dirto, ayuu maalin dambe nin ay isku jilib
yihiin oo magaalada makhaayad ku iibsada lacag yar oo kumanaan ah
amaahiyey oo uu ku yidhi laba daqiiqo kula hadal.
Balse nasiib darro telefoonka odaygu waxa uu London iyo gurigii wiilkiisa
ku soo dhacay xili xun oo ay wiilkiisii Biixi iyo ooridiisii Saynab kala
dhinteen, isla markaana uu wiilkiisii xabsiga ku jiro, Saynab-na aanay
maqli karin Biixi iyo wixii sheegtaba, sidaa awgeed Saynab markii ay
telefoonkii qaaday ee ay tidhi “Waa ayo” ayuu yidhi “Adeer Biixi Aabihii
ayaan ahay ee Biixi ma joogaa”, Laakiin Saynab waxay ugu jawaabtay
“Wiilkaagii Biixi wuu dhintay”, ka dibna telefoonkii ayey ku dhigtey,
dabadeedna odaygii naxdin daraadeed waxa markiiba ka dhacay bakooradii iyo
cumaamadii, isagiina wuu dhacay, ka dibna inta la kiciyey oo ushii iyo
cimaamadii loo qaaday ayaa la kaxeeyey, isaga oo naxdin daraadeed kurbaya,
waxaana la geeyey makhaayadii ninkii ay isku jilibka ahaayeen, dabadeedna
odaygii ninkii ay isku qolada ahaayeen ee makhaayadda haystay ayaa
maalintii dambe miyigiisii gaadhi u saaray, isaga oo naxdin daraadeed aan
waxba la noolayn, oo minjo suux ah, dabadeedna odaygu waxa uu warkii
dhiiladda lahaa geeyey miyiga, wuxuuna markii uu gurigiisii tegay
islaantiisii u sheegay inuu wiilkeedii Biixi dhintay, ka dibna islaantii
markii loo sheegay inuu wiilkeedii geeriyooday ayey baroor labada dhaban
qabsatay, laakiin naxdinta geeridu waxay saamaysay reerkii oo dhan yar iyo
weynba, waxaana isu yeedhay baroorta iyo oohinta balse maalintii uu odaygu
reerka ku hoyday maalintii ku laba ahayd ayaa la gawracay dhawr neef oo
adhi ah oo lagu axmay Biixi, waxaana loo yeedhay wadaado duco iyo qur’aan
akhriya, iyada oo ay tacsida Biixi socotay ilaa dhawr cisho, isla markaana
waxa odaygii iyo islaantii Biixi dhalay u dhamaaday calaacal iyo murugo,
iyaga oo leh “Alla haddii aanu aaskiisa joogi lahayn, ma ciil baanu qabi
lahayn”, “Qofka haddii aad aaskiisa joogto waad ku samirtaa iyo weedho
kale oo calaacal ah.”
La soco.Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Doorashadu Waxay U Baahan Tahay Dhammaystir. |
Ilaahay baa mahad leh, ka ina abuuray ina siiyey xoriyadda
iyo nabadda aynu ku gaadhnay in qof waliba codkiisa dhiibto. Waxaan aad
ugu faraxsanahay qaan gaadhnimadda dadka Somaliland sidii yaabka lahayd ee
ay u codeeyeen iyadoo aan deero deero hirdiyin. Ugu horayn hanbalyo ayaan
u dirayaa shacabka Somaliland oo wadciga adag ee uu ku jiro ka sokow u
guntadey in uu rumeeyo dareenkiisa halganku mideeyey. Waxaan kaloo
hanbalyeynayaa dhamaan guddiga doorashadda iyo dadkii ay hawl gelisay ee
ilaalinayey goobaha cod bixintu ka dhacday.
Kolay anigu ma filayn guddi doorasho oo magacaabisteedii aan loo dhamayni
in ay sidaas u hawl galaan. Ciidamadda nabad gelyadda ayaa iyana iga mudan
ambalyadda.
Hadaba waxaan ugu baaqayaa dhamaan jaaliyadaha Debedda, dhamaan ururadda
dalka iyo debeddaba ka jira in aan xisbi loo hanbalyeyn ilaa la saxo
khaladaadka lagu kala cabanayo. Ma aha in aynu guusha u qaadano mashxarad,
waa guul u soo hoyata qarankeena; sida runtu tahayna dawlad sidaas ku
sooftaa hanan mayso wadanka. Waajibaadka ina saaran waxa ka mid ah in aynu
iswaydiino inta ay le’eg tahay cabashadda jirta iyo qotadeeda.
Su’aashu waxay imanaysaa miyaanay sii hanqaarayn haddii intii bariga soo
hadhay iyo baaxad wayn oo kale laftoodu ku hungoobaan codkii ay bixiyeen,
taasoo aan uga jeedo in muranka jira aan lagu saafin cadaalad.
Inkasta oo guusha bulshaddu gaadhay jirto haddana Xisbiga KULMIYE kuma
qancin maxsuulka ka soo baxay GUDDIGA DOORASHADDA. Waxaa ina horyaala in
aynu isweydiino laba su’aalood: Ma jirtaa cadaalad darro laga galay
Kulmiye? Iyo su’aasha kaloo ah ma heli karnaa dawladdii aynu u codeynay?
Aan ku horeeyo cabashadda Kulmiye. Marka aan u kala qaado hawl galka
doorashadda laba xili oo ay dhextaal u tahay codayntii mid waa cod
tirintii oo ah arinta muranku ka taagan yahay iyo ta kaloo ah intii ka
horaysay cod bixinta. Haddii aan eego eedaynta hore waxba kama tilmaami
karo waxaanay u taalaa cadaynteedu xisbiga cabanaya. Laakiin haddii aan ku
joogsado ka hor codbixinta, waxaan rumaysanahay inuu musuqmaasuq dhacay.
Taariikhdeena madow waxa ka mid ah in markii la doono la jebiyo DASTUURKA
oo ah xadhiga u dhexeeya umadda. Dastuurku wuxuu noqdey xadhig lagu
xakameeyo mucaaradka, halkii uu ka noqon lahaa mid danta umadda ilaaliya.
Markii ugu danbaysayna waxa loo adeegsadey guddiga doorashooyinka go’aano
ay doorashadda ka qaateen oo la yidhi ma aha dastuuri. Guurtida oo inta
badan ku kacda go’aan qaadashadda kordhintu waxay u adeegsadaan qodobo aan
xidhiidh la lahayn go’aankooda.
Dhibaato wayn oo kale waxa weeye in faqraddo dastuurka ka mid ah sidii la
doono loo macnaysto waayo si sugan looma qeexin (equivocal).
Hay’addihii Dastooriga ahaa oo la Marin Habaabiyey.
Qaranimadeenu waxa hogaamiya saddax hay’adood dawladda, golaha
baarlamaanka iyo garsoorka oo ay shuruud u tahay in mid waliba ku hawl
galo madax banaani. Doorasho xor ahina waxay iman kartaa marka shuruudaas
la buuxiyo. Haddii aynu taariikhdeena dhaw ku noqono 1993kii markii Cigaal
Boorama lagu doortay waxaa loo igmadey in uu hirgeliyo doorasho xor ah
kuna beegnayd badhtamihii 1995kii.
Doorashaddii dhici lahayd 1995kii ilaa xiligan waxa hortaagnaa Golaha
Guurtida oo isu bedelay Golaha Kordhinta. Cigaal waxay u kordhiyeen markii
uu ku guul daraystay in uu doorasho sameeyo 1995 iyadoo sabab laga dhigay
in xasilooni la’aani jirto. Sidoo kale markii uu ku guul daraystay shantii
sanno ee dib loo doortay 1997-kiina waxay ugu dareen laba kale. Riyaalena
wuxuu dhawr jeer afka ku dhuftay in loo soo bandhigay in mudada loo
kordhiyo, laakiin uu isagu diidey. Muddadaa dheerayd ee doorashooyinka la
qaban waayey iyo murankii salaadiinta ee ka dhex qarxay Hargaysa waxaan ku
bal balaadhiyey qoraal gaar ah oo aan u bixiyey “Ma badbaadin Karnaa
Somalilanad” xiligaas.
Golaha Guurtida oo laga sugayey in ay umadda dhex u noqdaan mar qudha ayey
ku biireen UDUB intoodii badnayd taasna waa nasiib darro wayn. Haddii aan
u soo noqdo xiligiii ololaha doorashaddani socdey waxaynu arkaynay Cabdi
Waraabe oo u doodaya in aan Daahir Riyaale ka qayb gelin dood loo soo
bandhigi lahaa bulsha waynta si qof waliba go’aan uga qaato cidda uu
dooranayo. Miyaanay cadaalad xumo iyo aqoon xumo ahayn in odaygii umadda u
dhaxayn lahaa isku dayo in uu qariyo dhaliilaha jira.
Weligeen maynu maqal Guurtida oo eedayn iyo diidmo u soo jeedisa nimankii
kala danbeeyey ee ay Boorama ku doorteen. Waxa nasiib darro ahayd in
dhamaan shir gudoonkii shirkii Hargeysa ee 1997kii uu codka wada siiyo
musharax keliya.
Golaha wakiiladda waa la kala qaybiyey wayse jirtay marar badan oo ay
golaha dhexdiisa kaga doodeen arimo dan u ah qaranka. Waase hubaal in aafo
wayni ka soo gaadhay markii dawladeenii u soo jeesatay sidii ay hay’adaha
qaranka ugu danaysan lahayd.
Waxaan hubaa in aan hay’addii garsoorku hana qaadin oo maamulku cagta
geliyey waana meesha musuq maasuqu biyaha dhegay. Waxa tusaale inoogu
filan inta jeer ee ay is qabteen madax weynihii xijaabtay iyo Gudoomiyaha
maxkamadda sare hawshuna ay ku dhamaatay in laga qaado xilka ama in uu is
casilo.
Waxaana soo noqnoqday eedo ah in xisbiga UDUB iyo dawladdu isku milmeen.
Aan u daadego jawaabta su’aasha labaad oo ahayd in aynu hei karno
dawladdii aynu u codaynay ama halganka u soo galay. Door walba waxaynu
nidhaahnaa muranka inaga daaya oo duuduub ha lagu dhameeyo. Maanta yeynaan
deg degin dawlad kasta oo soo baxdana waa in aynu ku taageero danta umadda
si taas loo helana waa in la joojiyo ku danaysiga qaranka. Aynu taariikhda
wax ka barano oo fahamno in aan weligeed si guracan wax loo wadin.
Arimaha aan xalka u arko waxa ka mid ah:
In laga noqdo kordhintii ay dhawaan sameeyeen labada gole. Taas oo
keenaysa in la helo mudanayaal ay bulshaddu soo doorato. Haddii taasi
dhacdo ururadda mucaaradku door bay ka ciyaari karaan hogaaminta wadanka.
Dhinaca kalena samirsiis bay u noqonaysaa.
Balaadhinta Cod bixinta: Bulshawaynteena laba qaybood ayaan la waydiin in
cod laga qaado ta hore waa dadka debedda ku dhaqan iyo ka labaad oo ah
degmooyinka bariga xiga. Haddii labadaas qaybood codka laga qaado waxay
daboolaysaa in uu soo afgo’o muranka natiijaddii doorashaddu.
ILLAAHAY XAQA HAYNAGU SUGO.
Yuusuf Goodir Maxamed.
Bakistaan, goodir@yahoo.comTop
Shacbiga Somaliland Waxay Muujiyeen Kalsooni Lama Filaan Ah. |
Anigoo ka mid ah Jaaliyadaha iyo Dadweynaha Sool,
koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa
Dadweynaha Somaliland sidii fiicnayd ee ay u galeen Doorashadii
Madaxtooyada.
Waxay muujiyeen: dimoqraadiyad, horumar, mabda ama himilo ay higsanayaa,
kalsooni iyo niyadwanaag lama filaan ah.
Waxaan ognahay in Doorashooyinku aanay Caalamka badankiisa si cadaalada
uga dhicin ama ay Nabadgelyo xumo ku abuurto ( dhiig ku daato markay codka
bixinayaan ).
Waxay kasoo baxeen waajibkoodii qof qof iyo degaan degaanba iyadoo
xilkoodu ahaa inay si nabadgelyo iyo Dimoqraadiyada codkooda u dhiibtaan,
waana fuliyeen, wixii intaas ka dambeeya waxaa masuuliyadeedu dusha ka
saarantahay cidii ama hayadihii loo igmaday inay hawshaas u fuliyaan ama
dhamaystiraan.
Inaad codaysaan waxay ku timid rabitaankiina, bisaylkiina iyo sidaad ugu
hagarbaxdeen, ma jirto cid gaar ugu lib sheegan kartaa aan ahayn idinka (
shacabka), waan idiinku taageersanahay, idinkuna dhiirigelinaynaa inaad
sii wadaan horumarka aad higsanaysaan.
Waxaan rajeynaynaa in Somalidu ku dayan doonto dhacdooyinka Somaliland ka
socda oo ah kuwa lagu dayankaro ama ku horumari karaan hadii ay raacaan.
Waxaan Xisbiyada iy Hayadaha ay khusaysaba u soo jeedinaynaa, kana
codsanaynaa inaanay meel kaga dhicin ama khasaarayn tacabkii, waxqabadkii
iyo ujeedooyinkii Dadweynaha, iyadoo maalintii shacabku codkooda dhiibteen
wixii ka dambeeyey aanay qarsoomi Karin kooxdii ama shaqsigii ku kaca
turunturay.
Ugu dambeyn waxaan Shacabka Somaliland kula dardaarmaynaa inay ilaaliyaan
wixii ay ku caan noqdeen ama looga bartay oo nabadgelyadu kow ka tahay.
JAALIYADAHA SSB: Osman Qawdhan Warsame, NorWay.Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga. |
Waxa Qortay Gannat Ayale, Waxaa Turjumay M.M. Muuse.
Gannat: Gannat: Markaa ma waxaad ku talaabsateen in Col. Yawhala Ishaat
iyo nimanka saraakiisha ah ee aad leedahay way na fashiliyeen aad laysaan?
Mingistu: Anigu maan ahayn ninkii xukumay ee yidhi hala laayo, laakiin
waxa jiray ciidankayaga gudihiisa qayb la yidhaahdo baadhayaasha dagaalka
ama kormeerayaasha dagaalka, ka dibna qaybtan kormeerku marka ay
dagaaaladu dhacaan ka dib waxay baadhitaan iyo kormeer ku samayn jireen
guutooyinka ciidamada, taas oo ay eegi jireen wixii dhibaato ah ee soo
gaadhay, wixii hawl ah ee ay qabteen, sida uu itaalkeedu yahay iyo halka
ay ka jilicsan tahay, kooxdaa kormeerayaasha ahi way ku soo wada wareegi
jireen dhamaan guutooyinka ciidamada. Sidaa darteed kooxdii kormeerka
ahayd ee la diray dagaalkii Naaqfa ka dib waxay ka koobnaayeen niman
janaraalo ah, markaa nimankaa saraakiisha ah ee wax fadhiliyey qalad weyn
inay galeen ayaa la xaqiijiyey oo xataa guutooyinkoodii iska dhaafoo ay
guutooyinka kale guuldarada soo waajahday gacan ka geysteen .
Sidaa awgeed masuuliyad daradooda awgeed inay raga badan ee sida macno
darada ah nafahooda u waayey inay iyagu ka masuul ahaayeen oo ay sababta
leeyihiin ayaa la xaqiijiyey, ka dibna sida uu dhigayo sharciga milateriga
ee goobaha dagaalka waxa la go’aamiyey in sida ugu dhakhsaha badan loo
hor-geeyo maxkamadda milateriga, halkaas ayaanu lagu xukumay, laakiin
anigu kama aan shakisanayn xukunka nimankaas lagu qaaday oo xataa waxaan
fahamsanaa inay jireen dhibaatooyin dhinaca farsamada ah oo ay ahayd inay
eegaan, balse si aan u helo ra’yi ka duwan warbixinta saraakiishaa waxaan
ma xuma hadii aad la taliyayaasha Soofiyeetka ah ee goobta joogay
warbixintooda dhegaysato, sidaa darteed waxaan ka codsaday la taliyayaasha
Soofiyeetka inay soo dhiibaan warbixin arintaa ku saabsan, dabadeedna
su’aasha odhanaysa “Waa maxay sababta uu dagaalkaasi guuldarada ugu
dhamaaday”, waxay la taliyayaasha Soofiyeetku ka soo bixiyeen oo ay
yidhaahdeen “Ninkii dagaalkaa hogaaminayey oo ahaa janaraal Qumalaajaw may
jirin cabsi ku dhalatay oo uu qaladkaa u sameeyey, waxa laga yaabaa inay
aqoon la’aan ahayd, wuxuu ahaa sarkaal aad u wanaagsan, laakiin guud
ahaan-ba colalka uu hogaaminayey waxa guuldarada ugu wacnaa labadii
meelood ee furaha ama istaraatijiga u ahaa oo uu u baneeyey cadawga, ka
dibna ay jabhadda shacbiyaddu fursadaa ka faa’iidaysatay, dabadeedna
markii uu meeshii istaraatijiga ahayd gacanta u gashay cadawgii waxa uu
sameeyey dedaal uu dib ugu abaabulayo sidii uu ciidanka inta uu ciidanka
meesha dib uga saaro, lana xoojiyo oo loo tilmaamo meeshii ay ka dagaal
geli lahaayeen, laakiin maadaama ay faraha ka baxday waxba wuu u
taag-waayey, balse wixii uu dedaal samayn karayey wuu sameeyey, isla
markaana dhibaatada ay keentay qaybta uu hogaaminayey waxay sababtay
dhamaan guuldaradii soo gaadhay qaybaha kale oo dhan. S
idaa awgeed labadaa qaybood taliyayaashooda waa lagu saxnaa in lagu qaado
xukunada iyo shuruucda ay goobaha dagaalku leeyihiin”. Markaa sidaa ayaa
labadii sarkaal ee hogaaminayey guutooyinkaa dilka loogu xukumay.
Gannat: Imisa qof oo kale ayaa sidaas oo loo dilay?
Mingistu: Marka laga bilaabo askariga dablaha ah ilaa saraakiisha sarsare
ee maamulka haysa muu jirin sharci midkasta u gaar ah oo marka uu doono uu
ciidankiisa ku laynayey, markaa ma jirin dhaqan caynkaas ahi, laakiin wax
la laayey hadii ay jiraan waa kuwo qalad galay, ta kale markii u horaysay
ee ay waxan oo kale dhacaan waa markii ay colalku somalidu naga soo
weerareen dhinaca degaamada bariga.
Waqtigaasna Somalidu inta ay nala sugeen dagaaladii nagaga furmay dhinaca
waqooyiga iyo dalka gudihiisa ayey weerar nagu soo qaadeen oo ay qabsadeen
gobolka Ogaadeenya, isla markaana si ay Harar u soo galaan waxay bilaabeen
inay ku dhowaadaana dhinaca Kaaraamardha, laakiin inta aanu isla baaba’nay
ayaanu ku hakinay meesha la yidhaahdo Goray si aanay halkaa u soo dhaafin
oo aanay nooga qabsan Gursum iyo Baabili oo masalan webiga Faafana
dhiniciisa galbeed waxa haystay ciidankayaga, dhinciisa kale ee barigana
iyagaa (colka Somalida) haystay.
La soco.Top
Waadiga Ciyaaraha: Tomasson Daqiiqadii Ugu Dambaysay Kooxdiisa U Soo
Gudbiyay Semi Finals-ka. |
Milan (W. Wararka): Kooxda AC Milan ayaa u soo gudubtay
ciyaaraha semi-finals-ka ee tartanka kooxaha Horyaalka Yurub (Champions
League), kadib markii kifaax adag kaga baddiyeen 3-2 kooxda Ajax
Amsterdam, taas oo ay ugu soo gudbeen tartanka semi-finals natiijada
goolashan oo ah natiijada guud ee labada ciyaarood, iyadoo ciyaartii hore
ee lagu ciyaarayay guriga Ajax ay ku dhammaatay barbardhac aan wax goolal
ah la isku dhalin.
Kooxda AC Milan, waxa ay noqotay kooxdii saddexaad ee Talyaani ah ee
afarta kooxood ee isku soo hadhay ka mid noqda, waxaana mahaddaa iska leh
goolka uu dhalliyay John Dahl Tomasson oo daqiiqadihii u dhalliyay goolka
ay ku guulaysteen, habeenkan oo ahaa mid aan cidina ilaawin karin.
Kooxda AC Milan, waxa ay hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 30aad, kadib
markii ciyaartoyga Rui Costa uu kubad siiyay ciyaartoyga Shevchenko,
kadibna waxaa kubadii uu karoosay ciyaartoyga reer Ukraine madaxa ku
dhuftay Fillipo Inzaghi oo shabagga u dhigay. Goolka kadib, ciyaartoyga
kooxda Milan aad ayay dareenkoogu u degay, waxaanay sigeen laba jeer oo
kale intii aanu dhammaan qaybtii hore ee ciyaartu.
Tababaraha kooxda Ajax, ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta beddel ku sameeyay
kadib markii uu soo geliyay ciyaartoyga khadka weerarka Jari Litmanen oo
uu ku beddelay difaacyahanka Jelle van Damme. Waxaanu ahaa Litmanen kii
keenay goolka barbardhaca ee kooxda uu hogaaminayay Ronald Koeman,
daqiiqadii 63aad, kadib markii shabagga ugu riday kubad uu meel dhow ka
laaday, taas oo uu soo karoosay Van der Meyde.
Laba daqiiqadood gudahood ayay kooxda AC Milan hogaankii ciyaarta soo
ceshatay, kadib markii kubad uu Inzaghi isku dayay inuu goolka ku laado uu
dib ugu soo celiyay oo uu Shevchenko madaxa si wanaagsan ugu dhuftay,
goolkana ku hubsaday. Taasi oo ciyaarta ay Milan ku dhammaystiri lahayd,
balse Ajax ayaa dib u barbaraysay daqiiqadii 78aad, kadib uu kubad dhinaca
bidix ka soo karoosay Van der Meyde.
Kaalinta afarta kooxood ee isoo hadhaya tartanka Horyaalka Yurub ayay isu
diyaariyeen kooxda Ajax in ay ka mid noqdeen, laakiin daqiiqadii ugu
dambeysay ayuu Massimo Ambrosini ku madaxa ku soo dhuftay oo soo dhex
dhigay goolka Ajax, Inzaghi ayaa kubadda dulmariyay goolwada kooxdaas oo
hore u soo baxay, balse Tomasson ayaa kubad khadka sii dhaafay oo gooka ku
shubay.
Inzaghi ayaa u cararay inuu u dabaaldego goolka, balse Tomasson ayaa ahaa
ciyaartoyga taabashada ugu dambeeyay lahaa, taas oo uu kooxdiisa ka dhigay
markii ugu horeysay sideed sannadood ee ay kooxda AC Milan u soo gudubto
afar kooxood ee ugu dambeeya (Semi finals) ee Horyaalka Yurub.
AC Milan waxa ay iska horiman doonaan ciyaaraha Semi final-ka kooxda ay
isku magaalada yihiin ee Inter Milan oo ay ciyaarta hore wada yeelan
doonaan bisha May 7-deeda, ta labaadna isla bishaas 13-keeda.Top
Keane Oo Kooxdiisa Manchester United Ugu Baaqay In Ay Khaladaadkoogu
Cashar U Noqdo. |
Manchester (W. Wararka): Kabtanka kooxda
Manchester United Roy Keane, ayaa rumaysan in kooxdiisu aanay weligood ku
guulaysan doonin tartanka Horyaalka Kooxaha Yurub (Champions League),
mooyaane inta ay dib u saxayaan khaladaadka ay galeen.
Rajada Kooxda Manchester United waxa ay hadhay habeenkii Arbacada, kadib
markii ay 4-3 kaga adkaadeen kooxda Real Madrid, balse isugeynta labadii
ciyaarood ee ay wada yeesheen ay 6-5 ay ku kaga hadhay tartanka Horyaalka
Yurub.
“Waxa aanu wadnaa in aanu barano casharadan, dabadeedna aakhirka sidan
ayuun bay u dhacdaa,” ayuu yidhi Keane.
“Ma kari karno in aanu ka joojino goolasha gurigayaga la nalagaga
dhallinayaan kooxaha Real Madrid oo kale ah. Sidoo kale, waxaanu helnay
jaanisyo badan, laakiin naftayadii waxaanu ku kalifnay in aan buur dheer
saarno, mana aanu awoodin in aanu kor marno hirdankii. Ma doonayno in aanu
xusuusano in aanu bixinay goolal noocan oo kale ah ciyaar hore ee aanu
Real garoonkeeda ku ciyaaraynay,” ayuu yidhi Roy Keane.
Keane, waxa uu sheegay in ay kooxdiisa kala kulantay tartanka Yurub
mooraal jab badan, taasina ay sababtay in ay hadhaan, balse aanay kooxdu
marnaba isku dayayn in ay ka faa’iidaysato khaladka ay gasasho oo ay
cashar u noqoto ay barteen.
“Imika waxa aanu haysanaa Mooral xummo badan oo aanu kala kulanayn
tartanada Yurub. Waxaanu u soo gudubnay quarter finals-ka (sideeda kooxood),
laakiin tallaabo keliya ayaa nooga hadhsanayd in aanu ciyaaraha
kama-dambaysta ah u gudubno,” ayuu yidhi Keane.
“Kooxo badan ayaa sidaas oo kale yeellay, laakiin hal tallaabo ayaa uga
hadhay ciyaartii kama-dambaysta ahayd,” ayuu yidhi Roy Keane, waxaanu
sheegay haddii ay kooxdiisu khaladaadkeeda dib u eegto, in ay sixi karto.
Top
|