Natiijada Doorashada Oo Markii U Horeysay La Horgeeyay Maxkamadda Sare. Arrimaha Bulshada: Mushkiladaha Ka Dhasha Iyo Fikradaha
Khaldan
Mr Homer, Muddo ka dib xaaladiisa dhaqaale ayaa noqotay mid ku abuurta wer
wer iyo walbahaar markii uu ku yimid dakhligiisa hoos u dhac weyn.
40-Qof Oo Kudhintay Qarax Laxaad leh Oo Ka Dhacay Magaalada
Baqdaad Qarax Ka Dhacay Baqdaad.
Winnie Mandela Oo Maxkamadi Xabsi KU Xukuntay.
Madaxweynaha Dalka Kuuba Oo Si Kulul Ugu Hanjabay Dawlada
Maraykanka.
ODHAAHDA AKHRISTAYAASHA: Natiijada Doorashada In La Tirtiro
Iyo Laga Dhul-Sugo Waa Iyama?
Miinada Wax Halaga waydiiyo Cida Aqoonta U Leh.
Qallooca Komishanka Iyo Jaha-Wareerka Shacbiga.
Yaan Dib Loo Noqon.
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii
Dhergiga.
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka
Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub Q:30aad.
JILBO-DHIIG: Sheekadan waxa qoray
Xasan Faarax, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 30aad.
Hambalyo
Doorasho.
Hambalyo Aroos.
|
|
Natiijada
Doorashada Oo Markii U Horeysay La Horgeeyay Maxkamadda Sare. |
Hargeysa (Haatuf): Guddiga sare ee doorashooyinka Somaliland ayaa shalay
maxkamadda sare u gud-biyey natiijadii hordhaca ahayd ee ku dhawaaqeen
Sabtidii toddobaadkii hore, sidaana waxa cadeeyey gudoomiye-kuxigeenka
guddiga doorashooyinka qaranka, C/laahi Cumar (C/laahi Jawaan) oo aanu
xalay fiidkii wax ka waydiinay arintaa.
Albaabadda maxkamada sare waxa maalintii shalay taagnaa kooxo askar ah oo
si gaar ah u ilaalinayay, dad qaarna ka waabinayay, taas oo ay dadku
markii hore u maleeyeen inay ku dhawaaqi doonaan go’aankii natiijadda,
laakiin qaar saxaafadda ka tirsan oo barqadii maxkamadda sare tagay, waxay
saraakiil maxkamadda ka tirsani u sheegeen inaanay weli soo gaadhin
natiijaddiiba, waxayse soo gaadhay saacadaha ka dib.
Saraakiil ka tirsan xisbiga UDUB ayaa tibaaxay inay iyagu dacwad
gaadhsiiyeen maxkamadda sare, inkasta oo aanay tafaasiil ka bixin nooca ay
tahay dacwadoodu, laakiin hogaamiyayaasha KULMIYE waxay dhinacooda
tibaaxeen inay dacwadooda isku hagaajisanayaan, iyaga oo ilaashanaya
wakhtiga sharcigu siiyey.
Ka dib markii Sabtidii toddobaadkii hore ee Abril 19, 2003, guddiga
doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijadii ka soo baxday doorashadii
madaxtooyada ee dalka ka dhacday 14-kii Abril 2003, taas oo ay guddigu ku
dhawaaqeen inuu xibsiga UDUB ku guulaystay doorashadii madaxtoyada, waxa
markiiba ka dhashay buuq iyo sawaxan, ka dib markii uu xisbiga KULMIYE ee
mucaaradka ahi ku dhawaaqay inaanu yiqiinsanayn natiijada ay guddiga
doorashadu ku dhawaaqeen, iyadoo ay hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE ku
dacwiyeen inay xisbigoodu ku guulaystay doorashada, laakiin uu wax is
dhaaf-dhaafis dhacay, taas darteedna aanay ku qancayn natiijada ay guddigu
ku dhawaaeen, wuxuuna xisbiga KULMIYE badhtimihii toddobaadkii tegay soo
bandhigay tiro ka dhiman isu geynta tirada loo yeedhiyey, iyaga oo ilaa
133 cod oo ay sheegeen inay ka dhiman yihiin codadkii ay ka heleen degmada
Burco, iyaga oo taa sheegisteedana ku cadeeyey shir ay ku casuumeen dad
kala duduwan oo ay ka mid yihiin xubnaha guddiga doorashooyinka, waxaana
madashaa lafteeda ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka, Axmed X.
Cali Cadami oo ku tiraabay in wixii qalad ah ee ay guddi ahaan yeeshaan ay
garwaaqsan doonaan.
Hase yeeshee markii ay soo ifbaxday tirada codadka ee uu xisbiga KULMIYE
soo bandhigay waxa iyaguna dhinacooda ka baadi doon tegay xisbiga UDUB oo
ay guddiga doorashadu sheegeen inuu 80 cod oo keliya kaga guulaystay
xisbiga KULMIYE, sidaa darteed hawl-wadeenada iyo hogaamiyayaasha xisbiga
UDUB waxay iyaguna fureen dacwado kala duwan, sida tirooyin ay sheegeen
inay uga soo baxeen meelo ay isu geynta codadku ka qaldan tahay iyo weliba
sanaaduuq ay guddiga doorashadu sheegeen inay cillad sharci u tirtireen oo
ay ku dacwiyeen in loo tiriyo, iyadoo ay sheegeen in degaanka bariga
Hargeysa xaqoodii doorasho meel lagaga dhacay.
Sida uu qaynuunka doorashadu dhigayo marka ay maxkamadda distooriga ahi ku
dhawaaqdo ayey natiijada doorashadu noqonaysaa wax kama dambays ah oo lagu
dhaqmayo, sidaa awgeed natiijada marka ay guddiga doorashooyinku ku
dhawaaqaan waxay isu soo dhaafinayaan dhinaca maxkamadda sare, laakiin
waxa kale oo uu sharcigu dhigayaa wixii dacwado ah ee ay xisbiyadu ka
qabaan natiijada doorashada in iyadana loo soo gud-binayo maxkamadda sare
si ay uga garnaqdo, sidaa darteed maxkamadda sare waxa laga soo bilaabo
toddobaadkii hore waxay dadku sugayeen inay miiska maxkamadda sare
yimaadaan laba arimood oo kala ah: Natiijada ku meelgaadhka ah ee ay
guddiga doorashoyinku ku dhawaaqeen iyo dacwadaha ka soo kordhay dhinaca
xisbiyada.
Sida laga soo xigtay saraakiisha maxkamadda sare waxay maxkamadda sare
guddiga doorashooyinka u qortay qoraal ay kaga dalbanayso inay soo
gud-biyaan natiijada, iyadoo uu sarkaalka sare oo maxkamadda sare ka
tirsani ku tiraabay in loo baahnaa inay guddigu hore u soo gud-biyaan
natiijada, taas oo u muuqata inay maxkamadda sare raagsatay natiijada,
wuxuuna sarkaalkaasi intaa ku daray inay garqaadka dacwadaha xisbiyadu ku
xidhnaan doonto marka ay loo soo gud-biyo natiijada doorashada.
Hase yeeshee shalay ayey guddiga doorashooyinku markii u horaysay
maxkamadda sare u soo gud-biyeen natiijadii doorashada ee ay ku dhawaaqeen.
“Saaka (Shalay) ayaanu maxkamadda sare u gudbinay natiijadii doorashada”
sidaa waxa yidhi gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka, C/laahi
Jawaan. Laakiin C/laahi Jawaan mar aanu waydiinay inay maxkamadda sare u
soo gudbiyeen tirooyinka codadka ee ku soo kordhay tiradii natiijada ee ay
ku dhawaaqeen waxa uu sheegay inaanay taa weli soo gud-bin ee ay gacanta
ku hayaan hawsheeda, wuxuuse intaa ku daray inaanay taa guddi ahaan si
toos ah ugu gudbinayn maxkamadda sare ee ay xisbiyadu gudbisan doonaan oo
ay dacwadahooda raacsan doonaan, isaga oo yidhi “Arintaa waa la hubinayaa,
waxaanuna ku jirnaa hawsheeda, marka aanu hubinana xisbiyada ayaa
gudbisanaya, laakiin anagu waxaanu maxkamadda sare u gudbinay natiijadii
aanu ku dhawaaqnay.”
Sidoo kale gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka mar aanu waydiinay
sida ay iyadana ka yeelayaan sanaaduuqda ay dadka qaarkood ku dacwoonayaan
in la tiriyo, waxa uu sheegay inay sanaaduuqdaasi ka mid yihiin kuwii la
tirtiray oo aanay arintooda waxba ka noolayn.
Arinta kale ee ay dadka reer Somaliland meel ay joogaanba aad ugu
dhegtaagayaan waxay tahay go’aanka ay maxkamadda sare ku dhawaaqi doonto
waxa uu noqon doono, taas oo ay su’aalaha la iswaydiinayo ka mid yihiin
“Maxkamadda sare tolow ma qaadi doontaa go’aan cadaalad ah cidii doontaa
guusha ha heshee iyo tolow maxay ka yeeli doontaa dacwadaha loo soo
gudbiyey”, iyadoo uu su’aalaha tafsiirkoodu yahay “Tolow maxkamadda sare
wax ma ka bedelaysaa waxa ay guddiga doorashadu ku dhawaaqeen, mise
sidiisa ayey ku ansixinaysaa.”
Laakiin marka la eego labada xisbi ee hadda aad ugu murransan natiijada
doorashada oo kala ah, xisbiga dawladda ee UDUB iyo xisbiga mucaaradka ah
ee KULMIYE qoloba si ay ayey uga dhursugaysaa maxkamadda sare.
Qolada KULMIYE waxay doonayaan inay maxkamadda sare ka garnaqdo natiijada
doorashada ee ay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE isku haystaan guusheeda,
taas oo ay xisbiga KULMIYE si adag u aaminsan yihiin ama ugu dacwiyayaan
inay iyagu doorashadii ku guulausteen, laakiin laga faromaroojinayo, halka
ay qolada UDUB-na doonayaan inaanay maxkamadda sare waxba ka bedelin sida
ay guddiga doorashooyinku ugu dhawaaqeen, iyadoo ay qolada UDUB u arkaan
in hadii ay maxkamadda sare wax ka bedesho sida loogu dhawaaqay ay taasi
keenayso murran hor leh ama si kale hadii loo dhigo ay khatar ku tahay.
Hase yeeshee inkasta oo la odhan karo labada xisbi midna uma werwer iyo
wal-bahaar la’ waxa ka soo yeedhi doono maxkamadda sare, hadana xisbiga
mucaaradka ah ee KULMIYE ayey kalsooni daradu ku badan tahay, taas oo ay
inta badan hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE gudoomiyaha
maxkamadda sare u tirinayaan dhinaca hogaanka sare ee UDUB, sidaa
darteedna uu gar iyo gar daroba garab siinayo xisbiga UDUB.
“Ilama aha in dunida la maqashiinayo wixii ay guddigu ku dhawaaqeen wax ka
duwan”, “Maxkamaddu xagee bay ka dhaafaysaa tirooyinka soo baxay ee
sharciga”, weedhahani waxay ka mid yihiin afkaaraha kala duwan ee ay is
dhaafsanayaan dadka faaqidaadda ku samaynaya mawduuca miiska saarran ee
natiijada doorashada. “Adeer qolada KULMIYE way iska xiiqaysaa ee kol bay
maxkamadda sare cid aan UDUB iyo dawladda ahayn wax u xukumaysaa” ayaa
weedhaha la is dhaafsanayo ka mid ah.
Mawduucan Maxkamadda sare horyaal waa mawduuc xasaasi ah oo u baahan in
maskax miyir qabta oo cid walba cadaaladda horteeda ku qancin karta
laakiin arimahaas oo dhan jawaabtooda iyo waxa ay maxkamadda sare ka
xukunto natiijada doorashada ee murranku ka taagan yahay aynu ka sugno
garsoorayaasha maxkamadda sare ee ay arintu hor taal.
Top
Arrimaha Bulshada: Mushkiladdaha Ka Dhasha Iyo Fikradaha Khaldan
Mr Homer, Muddo ka dib xaaladiisa dhaqaale ayaa noqotay mid ku abuurta
wer wer iyo walbahaar markii uu ku yimid dakhligiisa hoos u dhac weyn. |
nkasta oo uu isku deyey inuu iibiyo dhulkii uu
ka iibsaday magaalada New York duleedkeeda, haddana taasi may noqon mid u
suura gasha sababtoo ah waxa dhacay dhaqaale burbur saameeyey dalka
Maraykanka oo sababay in ay yaraadeen iibka ganacsiga dhulka guryaha iyo
waxyaabaha aan daruuriga ahayn, waxaana Mr Homer uu waayey wax baayaca
dhulkii uu doonayey inuu iibiyo, iyadoo dhinaca kalena laga doonayey
lacagta cashuurta ee ay dawladdu ku lahayd iyo deyn kale oo uu qaatay,
laakiin Mr. Homer waxa jahawareer iyo naxdin lama filaana ku noqotay
markii subax hore uu weerar ku soo qaaday duqa magaalada New York ee inta
albaabkiisa la soo garaacay shandadaha debadda loogu daadiyey, Mr Homer
wuxuu hore uga dhega-adaygay digniino uga yimid duqa magaalada.
Hase yeeshee waxay talo faro ka haaday markii si aan sharaf lahayn looga
saaray gurigii ay isaga iyo reerkiisii ku jireen ee ay dawladdu la
wareegtay, iyada oo loo haystay lacagta cashuurta ee dhulkii uu iibsaday
iyo lacag uu ka amaahday Bangiga.
Arrintaasu waxay ahayd mid aanu Mr. Homer weligii ku fekerin oo lama
filaana, waxayna ku sii siyaadisay wer werkii iyo walbahaarkii bilaabmay
maalintii uu qaatay fekraddii khaldanaa ee uu iibsadday dhulkii uu
macaashka ka doonayey.
Mr. Homer wuxuu helay guri kiro ah oo aad uga fog magaalada, isla markaana
waxa ku cadaatay talo. Laakiin waxa u run sheegtay danta, wuxuuna ogaaday
heerka ay noloshiisu maraysay iyo halka uu mar-qudha u soo dhacay. Sidaa
awgeed waxa Mr. Homer khasab ku noqotay inuu dib u eego halka laga raacay,
wuxuuna ogaaday inay halkaa laga raacay ahayd taladii uu qaatay ee
caadifada ahayd iyo beentii uu ku maaweeliyey naftiisa, ee isku qanciyey
inuu yahay ka ku fadhiya cashqiga aqoonta, ee aan ka faa’iidaysan hibada
Ilaahay siiyey, laakiin markii ay taasi beenowday wuxuu u tabaabulshaystay
sidii uu dib u dhis ugu samayn lahaa noloshiisa, wuxuuna bilaabay
riwaayaddihii iyo qoraaladii uu samayn jiray, ee uu ka helay lacagtii
badnayd ee uu dhulka ka iibsaday.
Haddaba waxa haboon inaynu ka faa’iidaysano oo wax ka barano nolosha
waayaha iyo walbahaarka ay keenaan talooyinka khaldani, waana inaynaan
raacin hanaanka xun ee nacaybka horumarka hebel oo ay cadahay sida aynu ka
baxsan karo waayaha haddii aynu isku mashquulin horumarka hebel waxa
hubaal inaad la kulmayso guuldarro, waana inaynu ka fogaano nacaybka
horumarka oo aynu ka shaqayno, horumarka nafteena iyo nolosheena.
La soco qaybo kale oo xiiso badan todobaadka dambe Axadda.
Top
40-Qof Oo Kudhintay Qarax Laxaad leh Oo Ka Dhacay Magaalada Baqdaad
Qarax Ka Dhacay Baqdaad. |
Baqdaad (W. Wararka) Ugu yaraan afartan qof oo
rayid ah ayaa ku dhintay qaar kale oo badanina way ku dhaawacmeen ka dib
markii uu qarax ka dhacay bakhaar lagu keydin jiray hubka oo ku yaala
koonfurta magaalada madaxda Baqdaad maalintii shalay.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya qaraxaasi waxa uu khasaare weyn u
geystay dhismayaasha iyo deegaanada ku dhaw halka uu ka dhacay qaraxu,
iyada oo ay dhawr guri burbureen, lana sheegay in dad badani ku dhex
xanibanyihiin burburka guryaha dumay.
Ka dib markii uu qaraxu dhacay dad fara badan oo cadhaysan ayaa u soo
baxay wadooyinka waaweyn iyaga oo dhagxaan ku shiiday ciidamada Maraykanka
oo gurmad ahaan u tagay goobtaasi, waxaana ciidamada maraykanku sheegeen
in uu qaraxaa keenay weerar ay geysteen dad aan la garanayn, balse dad
goob joog ah ayaa sheegay inuu qaraxaasi ka dhashay markii ay ciidamada
maraykanku qarxiyeen sawaariikh taalay bakhaarka.
Dadweynaha magaalada Baqdaad ayaa cadho weyn ka muujiyey qaraxa ka dhacay
bakhaarkaas, iyaga oo sheegay in halkaa la qarxiyey iyada oo aan wax
digniin ah la siin, ciidamada Maraykankuna ay talaabadaa qaadeen iyaga oo
aan tixgelin waxyeeladda soo gaadhaysa dadka rayidka ah.
Qaraxani wuxuu ku soo beegmay iyada oo ay ciidamada Maraykanku qabteen
Daariq Casiis oo ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenkii maamulkii Sadaam
Xuseen, kaas oo haatan la weydiinayo su’aalo kala duwan.
Daariq Casiis oo ay aad iskugu dhawaayeen Sadaam Xuseen waxa la filayaa
inuu sir farabadan u gudbiyo ciidamada Maraykanka, qabashadiisuna waxa ay
timid markii sida la sheegay inuu isagu isku dhiibay ciidamada Maraykanka.
Top
Winnie Mandela Oo Maxkamadi Xabsi KU Xukuntay. |
Pretoria (W. Wararka) maxkamad ku taala dalka
Koonfur Afrika ayaa shan sano oo xadhig ah ku xukuntay maalintii shalay
Wennie Mandela oo uu furay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson, ka
dib markii lagu eedeeyey inay ku kacday falal khiyaamo ah.
Sidoo kale waxay maxkamaddu 7-ba sanadood ku xukuntay kalkaaliyaheedii Idi
Morin markii lagu eedeeyey inuu falalkaa kala qayb qaatay Winnie Mandela.
Sida la sheegay qaybo ka mid ah xadhigaa ayaa loogu bedeli doonaa arrimo
kale balse sida uu sheegay Xaakimka qaaday xukunkaasi waxa eedaha loo
haystaa ay gaadhayaan ilaa 43 dambi oo kala duwan.
Winnie Mandela oo ka soo qayb qaadatay halgankii ururkii ANC, door weyna
ka soo qaadatay dagaalkii lagu riday xukunkii midab takoorka waxa uu
xaakimku sheegay in intii dambe ay ka leexatay wadadii halganka.
Bayaan ay soo saartay Winnie Mandela markii lagu dhawaaqay xukunka waxa ay
iska casishay dhamaan xilalkii ay ka haysay xisbiga ANC, iyada oo ahayd
xubin baarlamaan, madaxna ka ahayd garabka haweenka ee xisbiga isla
markaana ku jirtay guddiga fulinta ee ANC.
Xukunkani waxa laga yaabaa inuu saamayn weyn ku yeesho aayaha dambe ee
Winnie Mandela gaar ahaan dhinaca siyaasada.
Top
Madaxweynaha Dalka Kuuba Oo Si Kulul Ugu Hanjabay Dawlada Maraykanka. |
Havana (W. Wararka) Madaxweynaha dalka Kuuba
fiidal Castaro ayaa digniin kulul u soo jeediyey dalka Maraykanka isaga oo
sheegay inay gaashaanka u daruuri doonaan weerar kasta oo uu maraykanku ku
soo qaado dalka Kuuba uuna la kulmi doono khasaare balaadhan.
Waxa uu sidaa ka sheegay Fiidal Castaro khudbad muddo saddex saacadood ah
socotay oo uu ka jeediyey TV-ga dalka Kuuba, taas oo uu kaga hadlay
dagaalka uu sheegay inuu Maraykanku ku hayo dalkiisa.
Fiidal Castaro oo xukunka qabsaday 1959-kii da’diisuna ay haatan tahay
76-sano waxa uu ku eedeeyey maraykanka inuu damacsanyahay sidii uu u mijo
xaabin doono kacaanka dalka Kuuba ee uu madaxda ka yahay Fiidal Castaro.
Waxa kale uu aad ugu difaacay khudbadiisa siyaasadaha uu ku hogaamiyo
dalka Kuuba isaga oo ku hanjabay in la ciqaabi doono cidkasta oo gacan
siisa Maraykanka.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAYAASHA: Natiijada Doorashada In La Tirtiro Iyo Laga
Dhul-Sugo Waa Iyama? |
Shacbigeenu kama gar-qaadi yaqaano khilaafaadka
xisbiyadda iyo kooxaha siyaasadeed maxaa yeelay labaduba waa arrimo ku
cusub dhaqankeena oo aynaan bulsho ahaan ku soo dhaqmi jirin, balse
shacbigeenu wuxuu si hawl yar ugu garnaqi karaa khilaafaadka beelaha
dhexmara. Somalilandna sida Soomaaliya ma aanay lahayn kooxo iyo xisbiyo
is-khilaafsan oo abaabulan maanta ka hor waana sababtaas midda aynu
khilaafaadkeedana beelaysan u xalliyi jirnay. Soomaaliyana Caalamka oo
dhami u heshiisiin kari waayey. Marka taariikhdeena dib loo jaleecana laba
goor ayey bulshadeenu ku hafatay khilaafaadka xisbiyadda, oo aynu cawaaqib
xumo qarni dhan dib inoo riday kala kulanay, mar waxay ahayd 1960-kii oo
khilaafaadkii 3dii xisbi ee SNL, USP, NUF. u dhexeeyey ayuu ahaa wixii
Xamar ina geeyey ee calankeenii lumiyey. Marna waxay ahayd 1969-kii oo
khilaafaadkii ka dhashay ku shubashadii doorashooyinka ayaa la isku
khilaafay aakhirkiina keenay inuu afgembi ka dhaco, oo burbur dhaco.
Markaas bulshadeenu bisayl ahaan maanta ma aanay wada qaadi karaynin, dib
ugu noqoshada khilaafaadka xisbiyada, iyo ka bogsashada aan dhamayska
tirnayn ee nabarada colaadihii sokeeye ee umula-dooxa ahaa.
Guddiga doorashooyinka ayaa maanta sabab u noqonaya wixii khilaaf ah ee ka
yimaada nidaam xumada doorashooyinka iyo khaladaadka tirooyinka ee
xisbiyaddu ku cabanayaan.
Garnaqsi KULMIYE: Xisbiga KULMIYE oo ay ku dhan yihiin 80% xubnihii
sarsare ee SNM oo iyagu ahaa, kuwii sida sahlan talada dawladnimo ugu
wareejiyey, gacanta shacbiga shirkii Boorama, ayaa si weyn ugu qanacsan
inay iyaga oo aan qori iyo xabad sidan ay ku guulaysteen doorashadii
madaxtooyada ee 14-kii April dhacday. Balse ay si duudsi ah uga
daadifeeyeen guushoodii xubno sarsare ee guurtida iyo wakiiladda ka mida
ka dib markay culays weyn saareen guddigii doorashooyinka, kuna qanciyeen
sida la sheegay in dagaal dhici doono haddii talada dalka KULMIYE loo
dhiibo.
Dareemada KULMIYE ka muuqda waxa ka mida maxkamadda sare in aanay noqon
doonin meel caddaalad lagu kalsoonaado ay ka soo baxdo, oo bedeli doonta
go’aanka UDUB Guddiga doorashinku ugu dhawaaqeen.
Markaas waxay reer KULMIYE leeyihiin ma xaqbaa in la ogolaado tiradii
codadka shacbiga waxa badnaa KULMIYE, doorashadiina waxa ku guulaystay
UDUB, taasoo ah khaladaadka ay sameeyeen Guddiga doorashooyinku.
Dooda UDUB: dooda UDUB waxa ugu xoog badan inay iyagu ku guulaysteen
doorashooyinkii waxayna marag uga dhigayaan go’aanka hordhaca ah ee
guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen 19-kii April, waxay leeyihiin
caalamkii oo dhan ayey gaadhay in UDUB ku guulaystay doorashooyinkii
Somaliland waana arrin dhamaatay oo maxkamadda sarena UDUB uunbay siin
doonaan, oo ma khilaafi doonaan go’aanka Komishanka.
UDUB waxay leedahay, haddii arrintaas laga noqdo khilaaf weyn ayaa dhici
doona Somalilandna way burburi doontaa, tirooyinka ay KULMIYE sheegayaana
waa wax aan sharciga waafaqsanayn oo marmarsiiyo ah. Mana aqbalayno.
Maxaa la Gudboon Maxkamadda Sare?
Saddex arrimood mid uun inay yeesho maxkamadda sare ayaa la gudboon
Inay UDUB ayaa guulaysatay tidhaahdo maxkamaddu.
Inay KULMIYE ayaa guulaystay ay ku dhawaaqdo.
Inay doorashooyinka tirtirto oo ay ku soo taliso in sanad dabadeed la
qabto.
Saddexdaas arrimood waxa ugu kheyr badan qodobka 3aad oo ah in la tirtiro
doorashooyinka, ka dibna waxa imanaysa, ma xukuumadda UDUB ayaa xilka sii
haynaysa muddadaas dambe, mise xukuumad dhexdhexaad ah ayaa loo igmadaa
talada?
Xukuumadaasoo UDUB, KULMIYE iyo UCID u dhex ah, oo tartansiisa, iyaga,
iyaduna xisbiga guulaysta ku wareejisa talada, xalka ugu wanaagsan wuxuu
ku jiraa maadaama khilaafka xisbiyada tartankoodu uu kululaaday in cid
dhex dhexaad ah loo dhaariyo talada dalka mudadaas dambe ee xisbiyaddu ku
tartamayaan.
Sidee loo dooranayaa xukuumadda dhexdhexaadka ah?
Waayadii aanay xisbiyaddu ka samaysmin Somaliland waxa shacbigu aaminaada
ugu weyn ku qabay golaha guurtida somaliland. Balse runtii intii uu
samaysmay xisbiga UDUB kalsooniddii guurtida aad ayuu hoos ugu dhacay oo
lama jecla. Taasna waxa ugu wacan iyaga oo badankoodu xubno ka noqday
xisbiga UDUB. Xubnaha golaha wakiiladda waa la mid oo aad ayey ugu
dhexmilmeen xisbiyadda. Xisbiyaddiina way is-khilaafeen oo isma aaminayaan.
Haddaba maxaa inala gudboon si aynu u dhisno xukuumad ku meel gaadh ah oo
kalsooni ka haysata shacbiga iyo xisbiyadda? Waxaan ku talinlahaa inay
shir isugu yimaadaan:
Xubnaha golaha Guurtida iyo Wakiiladda ee 164 ah Xubnaha Salaadiinta
Somaliland ee 45-ka xubnood ah, Xubnaha golaha dhexe ee UDUB 40 Xubnood,
xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE 40 Xubnood, xubnaha golaha dhexe ee UCID
40 xubnood ah, Guddiga Culimada ah 15 ergey, tirada guud 344 ergay.
Shuruudaha qofka isu soo sharaxaya labadaas jago (Madaxweynaha iyo Ku
Xigeenka) waxay noqonaysaa in aanay 3-da xisbi midna xubin ka ahayn, isla
markaana ay caddeeyaan inay yihiin rag aqoon, rag dhaqan wanaag iyo
xog-ogaalnimo Somaliland ah leh, inuu yahay qof aanan ururadii siyaasadeed
xubin ka noqonin oo aan loolanka siyaasaddeed ku boogoobin, waana in uu
helaa codadka ugu badan ee ergooyinka shirka, in taladaas la tixgeliyo
ayaan Illaahay ka baryayaa.
Cali Dool Axmed (Qoryoolay), Hargeysa.
Top
Miinada Wax Halaga waydiiyo Cida Aqoonta U Leh. |
Aniga oo ah qoraaga maqaalkan ee hoos ku qoran
waxaan dhaliil weyn u soo jeedinayaa hay’adaha miino-saarka ee ka hawlgala
dalka JSL kuwaas oo kala ah DDG, HELO TURST, N.D.A sidaa darteed waxaan u
sheegayaa inay jiraan meelo badan oo aanay wali waxba qaban taas oo ay
maalin walba ku dhintaan dad, waxaana dhintay 24/04/03 dhagax yey oo
agagaarka Dacar-Budhuq (Marxuum Xasan Maxamed Cali), sida darteed waxaan
hay’adaha ku shaqada leh ee ku lacag qaata u sheegayaa in ay dalka wada
gaadhsiiyaan miinasaarista oo ay weydiiyaan dadka aqoonta u leh meelaha ay
ku jirto. Taas oo khatar weyn ku haysa dadka iyo xoolaha aan ahay miino oo
kaliya ee ay jiraan waxyaalo badan oo khatar ah.
C/Raxmaan Xasan Cali (C/Raxmaan Guuto)
Hargeysa
Top
Qallooca Komishanka Iyo Jaha-Wareerka Shacbiga. |
Waagii Beryaaba waayo leh, maamul waliba
raadkii, dhacdo waliba sheegeed. Ka dib markii ay shacbiga Somaliland si
hagar la’aan ah ugu codeeyeen doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday
14-kii April 2003 isla markaana ay ku tartameen doorashadaa saddex xisbi
ee kala ah UDUB, KULMIYE Iyo UCID ayaa waxa jirta in natiijaddii ay
komishanka doorashooyinku ka soo saareen 19-kii bishan uu xisbiga UDUB
kaga guulaystay xisbiga KULMIYE 80 cod balse xisbiga KULMIYE ayaa ku
gacan-saydhay isaga oo ku andacoonaya in wax la is dhaaf dhaafiyey, isla
markaana uu cadeeyey xisbiga KULMIYE inaanu ku qanacsanayn natiijadda la
sheegay, waxaanay ku doodeen masuuliyiinta KULMIYE inay iyagu ku
guulaysteen doorashadaa.
Haddii aynu ka nimaadno natiijadda ku meel gaadhka ah ee Komishanka waxa
isweydiin mudan natiijadaasi xaq iyo xaq-darro keebay ahayd, taasoo ka
farxisay xisbigaUDUB, xisbiga KULMIYE-na uu ka tirsaday xaq-darro isaga oo
sheegay inay marin habaabiyeen natiijaddii saxa ahayd taasoo ilaa haatan
muran ka taaganyahay.
Waxaana haatan la isweydiinayaa maadaama ay maxkamadda sare leedahay
go’aanka kama dambaysta ah ee lagu kala guulaysanayo KULMIYE iyo UDUB
go’aanka maxkamaddu keebuu saacidi doonaa.
Sidoo kale waxa isweydiin leh maxkamaddu ma waxay raacaysa go'anka hore ee
komishanka mise waxay keeni doontaa mid hor leh oo cusub, arrintu si
kastaba ha ahaatee alif kaa xumaadaa Al-baqruu ku dhibaa, murana kama
taagna in Komishanku yahay ka keenay jahawareerka ka dhashay natiijaddii
doorashada, taana waxa marag u ah laba carableynta xubnaha guddiga
doorashada iyo dib u dhicii ku yimid xiligii ay muddeeyeen inay ku
dhawaaqaan natiijadda waxaana loo baahanyahay inay mad-madawga ka saaraan
natiijaddii ay soo saareen balse nasiib darro in haatan uu muran ka dhasho
natiijadda uu laaxinku ku jiro ugu dambayna wixii aan daacad laga ahayni
dabaday ka xumaadaan ee allaw sahal umuuraha adaa noo aqoonee.
Maxamed Sagax, Hargeysa.
Top
Jamhuuriyadda oo 12 jir ah waxaa ka suurta
galay waxaanan ka suurta galin caalamka sidaa darteed waxaas oo jiray
duruufo badan oo dalku soo maray, wuxuuna kaga soo baxay niyad sami iyo
waayeelka Somaliland oo dedaal muujiyey iyada oo uu shaqaynayey
madaxweynihii taariikhda galay ee Maxamed x. Ibraahim Cigaal alla ha u
naxariistee, waxaase aan la yaabay umadan degan Somaliland oo leh qabri
amaan laakiin aan lahayn ifka oo qofka lagu amaano.
Taasi waxaan markii hore moodayay in qofka loo canaanto si uu dedaal badan
u keeno wayse noqon weyday oo waan in umaddan u dhiman.
Walaalayaal waxaase wanaagsan in qofka dhaliil iyo waxtar wuxuu leeyahay
intuu nool yahay la sheego.
Aniga u gudbaya dulucda sheekadda waxaa beri jiray saddex nin oo meel wada
degan oo bilaa guryo ah xoolo dhaqatana ah ninka mida iyaa soo jeediyey
inay saddex shiraac oo ay sitaan ay buul ka dhistaan si ay dhaxanta iyo
qoraxda uga galaan muddo markay ku jireen ayaa nin ka mid ahi mid kale ay
is-khilaafeen dabadeedna kii kale isku dayey inuu dhexdhaxaadiyo kuna
guulaysan waayey kii cadhoodayna shiraaciisii furtay, sidaana ay ku
burbureen oo nin waliba shiraaciisii furtay.
Sidaa darteed waxaan ka soo sheekeeyey sheeko dhaxal gal u ah
Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta dimuqraadiyad ku talaabsatay waxaanse
ka digayaa yaan dib loo guurin oon dimuqraadiyadda meel lagaga dhicin.
Maxamed Sh. Daahir Qaalib, Hargeysa.
Top
Dil-Dilaacii
Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga. |
Mengistu: Cabsida ugu weyn ee na haysay waxay
ahayd in nalaga qabsado wadada dhexmarta Gursum iyo Baabuli dhexdooda ee
tagta Harar, isla markaana Dhagax-buur dhinaca dhabarka ka marta ka dibna
tagta Iimay, markaa wadadaas ayaanu muhimadda siinaynay inaan cadawgu naga
qabsan.
Meesha la yidhaahdo Faafan waa meel aad ugu wanaagsan is-difaacidda, ka
dibna halkaas ayey ahayd meeshii aanu galay ee aanu iskaga difaacnay
weerarkii Somalida, halkaas oo aanu muddo toddoba bilood ah difaac kaga
jirnay, iyaguna (Ciidamada Somalida) ay intaa weerar nagu hayeen. Laakiin
markii dambe ee uu cadawgu fahmay inaanu jiidhi Karin difaacayaga
Faafaneed ee ay si walba yeeleen ayey ciidamadii cadawgu (somalida) inta
ay dhinac bidix ka dhaafeen difaacii Faafaneed oo ay Dhagax-buur mareen,
isla markaana ay ka soo wareegeen Galalaja iyo Jaarso ilaa Kombol-ja ayey
damceen in inta ay labada dhinac-ba ka maraan oo ay hareereeyeen ay sidaa
Harar ku qabsadaan sidaa ayey ahayd istaraatijiyadoodu, laakiin inta aanu
ciidamo milateri ah iyo kuwo rayid ahba diyaarinay ayaanu sidaa iska
difaacnay oo aanu sidaa iskaga celinay, waxaase ahayd mid aanan weligay
ilaawayn markii ay janaraal Tasfaaye Gabra Kidaan, Salaqe Bayani, Damaqe
Banjaw iyo xulafo kale inta ay iswada kaashadeen ayey ciidamo ururiyeen oo
ay halkaa dejiyeen, taas oo ahayd inay weeraraan ciidamada cadawga.
Laakiin ciidamadii ka soo noqday goobaha dagaalka ee jiidaha Ogaadeeniya
iyo gobolka Jig-jiga waxay nagu qaadatay hawl badan, waayo ciidamadaasi
haba yaraatee inay joogsadaan way diideen , taasina waxay ahayd markii ugu
horaysay taariikhda in inta uu askarigu yidhaahdo “ma dagaalamayo”, ka
dibna inta uu taliyihiisa dilo uu ka dibna cagaha wax ka dayo, dabadeedna
waxaanu gaadhnay heer aanu ciidankayagii iska hor-nimaadno, ka dibna inta
aanu tacshiirad kor u ridno ayaa markii ay joogsan waayeen waxay nagu
khasabtay inaanu taangiyo wadooyinka ku goyno. Sidoo kale diyaaradaha
Helukabtarka ahi marka ay doonayaan inay goobaha dagaalka ka soo qaadaan
askarta dhaawaca ah waxa dhacday inay askarta caafimaadka qabtaa
yidhaahdaan “Wax dhaawac ah oo la qaadayaa ma jiro ee anaga ayaa raacayna”,
ka dibna waxay rasaas kua ridi jireen saraakiisha iyo askarta kaleba,
dabadeedna waxaanu iswaydiinay “Sababta ay tani u dhacday ma waxa weeye
ciidanka ayey ku dhexjiraan niman midnimada dalka diidani, ma niman
mucaarad ah ayaa ciidanka ku dhexjira, ma kuwo kacaanka ka soo horjeeda
ayaa ku dhex-jira”, ka dibna taasi waxay noqotay inay dhamaan nimankii ka
soo horjeeday golaha dhergiga, kuwiii kacaanka ka soo horjeeday ee
mucaaradka ahaa iyo kuwii midnimada dalka diidanaa oo dhami inta ay
ciidamada dhexgaleen ayey qodqodeen, sidaa darteedna inta ciidamadii
dhufaysyadii ka soo yaaceen ayey yidhaahdeen “Ma dagaalamayno”, ka dibna
markii ay sidaasi dhacday ee ay ciidamadu soo yaaceen fursadda keliya ee
aanu haysanay waxay ahayd inta aanu dooranoa meel wanaagsan oo la isku
difaaci karo aanu dhufaysyo ka qodono, ka dibna aanu halkaa si ku
meelgaadh ah isugu difaacno, dabadeedna markii aanu ciidamadii meel
dejinay ee difaac ka gelinay ayaanu si aanay u yaacin oo cadawga waddo ugu
banayn waxaanu xagga dambe ka dhignay ciidamo kale oo iyaga ilaaliya si
aanay u yaacin . Waxa kale oo aanu ku dedaalay inaanu ogaano cidda
ciidanka ku abuuraysa cabsida ah inay yaacaan ama baxsadaan, ka dibna
dadka rayidka ah iyo isla ciidanka dhexdooda dadka taageersan kacaanka
inta aanu soo xulanay ayaanu dirays u xidhnay, ka dibna ciidamada ku sii
dhexdaynay si ay u soo ogaadaan cidda ka dambaysa arintan. Dabadeedna
sidii ay IHABA-du yeeshay oo kale inta ay ciidamadii dhexqaadeen oo ay
siyaalo kala duwan u waraysteen ayey nimankii falka caynkaas ah ciidamada
ka dhexwaday soo saareen (Heleen), waayo bulsho meel taal sida ay dad
wanaagsani ayey dhinaca kalena dad xuni ugu dhexnool yihiin, isla markaana
dembiilayaasha inay mutaystaan ciqaabta uu dembigoodu le’eg yahay sharciga
ayaa sheegaya, laakiin ciidanku sharci gaar ah ayuu leeyahay, sidaa
darteed hawsha meesha adag ee meesha taalay iyo marxaladda la taagan yahay
maadaamo ay u baahan tahay inaad xataa naftaada u hurto goobaha dagaalku
sharci iyo dhishibiliin ciidamada lagu dhaqo ayey leeyihiin, anaguna taas
ayaanu samaynay, ka dibna askariga sida dumarka inta uu diric xidho ka
baxsanaya goobta dagaalka sharcigaa ayaanu marinay, maxaa kale oo aan
sidaa ahayn oo aanu yeelnaa, adigu (Gannat) miyaanad taas ogayn, miyaadan
Harar joogin, dadkii deganaa Harar iyo agagaarkeeda arintaa si toos ah
ayey u wada garanayaa, waxay ahayd marxalad lala wada socday, markii
miyaanay taasi (Ciidamada yaacaya) Itoobiya ceeb ku ahayn, sidee bay u
dhacdaa inuu nin rag ah oo Itoobiya u dhashay inta uu ciidamadii Somaliya
ee cadawga hortooda inta uu Diric xidho u cararaa.
Runtii waqtigaa waxaanu ku sugnayn marxalad dhimasho ah, waayo waxay
su’aasha meesha timi ahayd “Tolow Somalidu ma sidii ay ku faanaysay ayaa
dhab noqonaysa oo ilaa Hawaash ayey qabsanayaan, mise halkii ay ka
yimaadeen ayeynu dib ugu celinaa”, isla markaana heer waxaanu gaadhnay
aanu ciidamada dhexdooda wax iskaashi ah jirin, isla markaana uu
dhishibiliinka ciidamadu gebi ahaanba xumaado oo aanu jirin taliye iyo cid
loo taliyaa toona, waxayna cidda talinaysaa noqotay madaafiicda ciidamada
Somalidu soo ridayaan, taas oo hadii uu madfac soo dhaco ay arintu noqotay
in inta qoriga la iska tuuro, ka dibna cagaha wax laga dayo.
Ciidamada Somalida iyo anagu ma anagaa mar qudhaba dagaal kafool-kafool ah
iskaga hor nimi waxaanu isugu jawaabaynay uun madaafiic iyo gantaalo,
sidaa darteed hadii ay nimankaa dumiyayaasha ahi nagu sii dhex jiri
lahaayeen oo aanaan iska dhex saarin miyaanu wax guul ahba gaadhi lahayn .
Dabadeedna janaraal Tasfaaye Gabra Kidaan iyo niman kale oo saraakiil
sarsare ah ayaa nimankii qaska iyo qalalaasaha ka dhex waday ciidamada
inta soo qabqabteen ayey macal cadaymihii ka markhaati furayey inay falkan
geysteen badka soo dhigeen, ka dibna iyaga oo dembiilayaal ah ayey amreen
in ciidamada hortooda lagu toogto, laakiin nimanka caynkaa sameeyey marka
tiro ahaan la eego aad bay u yaraayeen , balse falalka ay geysteen aad bay
u waaweynaayeen, isla markaana dilkoodu ma ahayn mid si qalad ah u dhacay
ee waxa dembigooda loo hayey cadaymo buuxa, ta kale markii la laynayey
waxay kor ugu dhawaaqeen magaca ururkooda, iyaga oo leh “IHABA-du weligeed
ha jirto”, ka dibna iyaga oo cadeeyey cidda ayey yihiin ayey sidaa ku
geeriyoodeen.
La soco .
Top
Garta Dhaqanka
Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub Q:30aad. |
Dacwi: Dacwigu waa halka ay gartu u dhimato (Ugu
muhimsan), allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa
ninka saymahaas oo kale kala baxa ama ka saara.
Nin gabyey ayaa yidhi “Raggu ka simman sagaalka iyo magta iyo suurad
guudnimo’e , misna kama sinaadaan aqoon soofe iyo liide, sakal adag
saraayaha markuu saajac ka hadlaayo, soke nimu bartiyo xaraf yaqaan saami
kala geeye, nin siyaasad dheer iyo badwina kala su’aal roone”, waxa
gabaygan tiriyey Ismaaciil Xaleef.
Dacwigu waa sida aad wax u leedahay oo aad sheegto iyo sidii aad uga hor
degi lahayd waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, iyadoo ay ereyada
la odhanayo ee ninka ka soo horjeeda laga sii hor-degayo ay ka mid yihiin
“Hadii uu odhan doono” IWM. Isla markaana adiga oo hadalka ku odhsanaya
af-macaan, waxna aan dhimayn, waxna aan dhaafayn, kuna daraya talo iyo
xirib.
Maluug: Waa wax kasta oo aad tuhunto, laakiin aaddan cadayn u hayn, sida
tusaale ahaan nin aad is disheen oo agtaada qori ama hub kale la marmaray,
taas oo ay dhici karto inuu kuu sito iyo inaanu kuu siddan ee uu iskii
isaga sito, balse aad shakiday oo aad u malaysay inuu adiga kuu sito,
laakiin aanad caddayn u hayn, ka dibna ninka muduciga ahi waxa uu
odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay, waa nala
ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin,
balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati
baan u leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar
hadii ay caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci
baan ka fadhiyaa, hadii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”.
Laakiin marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo,
iyadoo aan madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga. Hase
yeeshee marka uu muducigu markhaati-waayo, madacaalayguna markhaati helo
buuxa (muduci-gawrac) waxa gar hela madaacalayga.
Marka uu muducigu helo markhaati kala dhiman, madaacalayguna waayo
markhaati buuxa ninka muduciga ah ayaa lagu yeeshaa lug dhaar ah,
dabadeedna hadii uu dhaarto isaga (Muduciga) ayaa gar helaya, hadii uu ka
joogsado oo dhaarran-waayana waxa lagu gar-waayayaa ama gar helaya
madacaalayga.
Hadii uu muducigu markhaati-waayo waxa markaa dhaar lagu leeyahay
madacaalayga, ka dibna hadii uu dhaartaa maro waa lagu gar-waayey, hadii
uu ka joogsadana waa lagu gar helay.
Marka ay muduciga iyo madaacalayguba helaan min saddex markhaari uu buuxa,
hadana waxa lagu kala saarayaa dhaar, waxaana lagu gar helayaa had-ba ka
dhaarta ka joogsada, hadiise ay labadooduba dhaartaan waxa markaa loo
qaybinayaa wixii ay isku haysteen.
Ninka yidhaahdaa “Waxaas markhaatigii u fadhiyayow ka kac”, markaa ninkaa
sidaa yeela wax markhaati ah lagu oogi-maayo, ninka sidaa yeelaana waxa uu
qirtay wixii lagu eedaynayey ama loo haystay, laakiin sababta uu sidaa u
yeelay ayuu sheegaa, taas ayuu dabadeed ku garnaqsadaa, sidaa awgeed waxa
la waydiiyaa waxa uu isku difaacayo iyo markhaatiga uu isku difaacayo.
La soco.
Top
JILBO-DHIIG:
Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q:
30aad. |
Biixi markii la xidhay dembiga iminka lagu
haysto ee ay gabadhiisu ku soo oogtay ka sokow waxa kale oo diiwaanka
dembiyada ugu jiraa xadhigii maalintii hore ee maalintii ay Xayaad u timi
ee suuxday loo qabsaday, sidaa darteed waxa uu noqday nin ay laba dembi oo
weliba ay labaduba yihiin kuwo uu dumar ka galay diiwaanka ugu jiraan,
sidaa darteed hoosta ayaa si gaar ah ayaa loo calaamadiyey, waxaana loo
arkay nin xuquuqda iyo madax banaanida dhinaca dimoqraadiyadda si weyn uga
soo horjeeda, sidaa darteed maadaama uu cabudhinta dumarka ka shaqaynayo
dembiile weyn ah oo aan ku noollan Karin dalka Ingiriiska.
Sidaa awgeed boolisku waxay markiiba u gud-biyeen maxkamad, halkaas oo ay
kaga oogeen laba dembi oo uu dumarka ka galay intii uu London joogay,
iyadoo ay boolisku ku tilmaameen inuu yahay nin aan loo dul-qaadan Karin,
dabadeedna maxkamaddii markii ay dhegaysatay dacwaddii Biixi waxay ku
xukuntay dhawr bilood oo xadhig ah iyo in dalka laga masaafuriyo, iyadoo
maxkamaddu intaa raacisay inaanu kiiska Biixi wax ambiil ama racfaan ah
lahayn. Sidaa awgeed Biixi markii uu dhawrkii bilood ee xadhiga ahaa
dhamaystay ayaa laga masaafuriyey magaalada London, isaga oo aan dib u
arag gurigiisii oo aan xataa maryihiisii hayn, laakiin intii aan la
masaafurin waxa jeelka ugu yimi dhawr qof oo saaxiibadiisii shaqada ah,
kuwaas oo u keenay waxoogaa maryo ah iyo waxoogaa lacag ah, ka dibna isaga
oo shandad yar waxoogaa maryo ah oo aan badnayn ku sita ayaa madaarka
London laga saaray diyaarad, hase yeeshee Biixi diyaaraddaasi waxay geysay
Muqdisho oo ay markaa xabbadi ka qiiqayso, isla markaana uu si weyn u
saameeyey dagaalkii dabada dheeraaday ee sannadaha badan ka oognaa, sidaa
darteedna Biixi waxa uu yimi magaaladii Muqdisho ee markii ugu dambaysay
quruxda badnayd oo aad meelihii ugu quruxda badnaa moodo xabaalo, ka dibna
waxa uu la argagaxay burburka iyo fool-xumada ka muuqato magaalada,
waxaase kaga sii yaab badnaa markii uu arkay maleeshiyaad hubaysan oo
bahaloobay, taasina waxay ku dhalisay cabsi iyo werwer badan, wuxuuse
raacay wiil reer Muqdisho ah oo isna masaafur ahaa oo ay isku diyaarad la
socdeen, ka dibna wiilkaas oo uu reerkoodu magaalada deganaa ayaa ku yidhi
aniga ila seexo inta aad helayso wax aad dhulkiinii u raacdo, dabadeedna
Biixi markii uu muddo toddobaad ah magaalada joogay ayuu maalintii dambe
waxoogaagii yaraa ee lacagta ahaa ee ay asxaabtiisu jeelka ugu keeneen
tigidh ugu soo goostay diyaarad ka soo duulaysa madaar Muqdisho u dhow oo
Hargeysa socod (Transit) ku sii maraysa, ka dibna waxa uu yimi Hargeysa oo
iyana aan ahayn Hargeysadii uu yiqiinay ee ay wax waliba isbedeleen, hadii
ay muuqaal tahay, hadii ay dad tahay, hadii ay dhaqan tahay iyo hadii ay
wax kale tahayba. Dabadeedna markii uu laba-saddex maalmood joogay ee uu
nin isku jilib oo makhaayad ku haysta mooyee cid kale ka garran-waayey
ayuu reerkoodii miyiga waraystay halka ay degan yihiin, ka dibna inta uu
shandadii calaladu ugu jireen dhegta qabsaday ayuu baabuurkii tuuladii
reerkoodu agyaalay tegaya dabada qabsaday, laakiin ninkii ay isku jilibka
ahaayeen ee makhaayadda haystay ayaa Biixi u sheegay in aabihii magaalada
yimi, isaga oo doonaya inuu wiilkiisa Biixi iyo London la hadlo, balse
markii uu gurigii London la hadlay ay telefoonka ka qabatay gabadhiisu, ka
dibna ay ku tidhi “Wiilkaagii wuu dhintay”, ka dibna uu odaygu magaalada
ka tegay isaga oo muraaradilaac ah. Dabadeedna Biixi naxdin ayuu la
madoobaaday , waxaayna taasi ku dhalisay inuu awelba isaga sii socday
degdeg magaalada uga baxo oo uu reerkoodii sia degdeg ah ugu tago si uu u
tuso inuu nool yahay oo been loo sheegay.
Biixi markii loo sheegay warkaa naxdinta leh ee ay gabadhiisii sheegtay
waxa gabadhiisii Saynab ee aanu weli furin ka sii qaaday calool-xumo,
waxaana isugu darsamay tii ay London kaga samaysay iyo warka xun ee
reerkooda u sheegtay. La soco.
Top
Dhamaan shaqaalaha shirkadda qaadka ee Barako
B-611, Maxamed Cabdi Shire, Mustafe Guray Jaamac, Mustafe Axmed Cali,
Maxamuud Baaruud Cabdi, Maxamuud Bardhale Qordan iyo dhamaan shaqaalaha
makhsinka Hargeysa Barako B-611 waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan
Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ee
dhawaan loo doortay xilka hogaanka qaranka somaliland.
Top
Ayeeyo asli ibraahim, aabo c/laahi cali xirsi,
hooyo ruqiya qawdhan muxumed, axmed c/laahi iyo xaaskiisa, sawsan c/laahi
cali, sucaad c/laahi cali, c/casiis c/laahi cali, saami c/laahi cali,
saamiya c/laahi cali, saleebaan aadan qawwdhan waxa ay hamballyo iyo
bogaadin u dirayaan arooska mukhtaar muxumed maxamed iyo sabaax ismaaciil
c/laahi oo aqal-galkoodu ka dhacay magaalada hargeysa 25/004/03 waxaanay
ilaahay uga baryayaan inay bashbash iyo barwaaqo ku noolaadaan ubad kheyr
qabana kala helaan, aamiin.
Top
Top
Top
|