“Xisbiga Kulmiye Dunidaa Ina Soo Eegaysa Xaqiisa Uga Hadhi Maayo, Guddiga
Doorashadana Waxaanu Leenahay..” Shir-Jaaraa’id-xubno ka tirsan madaxda
xisbiga KULMIYE. Odayaasha Golaha Guurtida Oo la Gudoonsiiyay Koob Nabadda Ah.
“Waaan Xusuustaa Kelmad Uu Saleebaan-Gaal Ku Yidhi
Marxuumkii,”
Kaltuun X.Daahir.
Xoghayahaga Gaashaan-Dhigga Maraykanka Oo Booqanaya Dalal
Khaliijka Ah.
GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.
DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA.
Jilbo-dhiig.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dhulkayagii waxa lagu dhisanayaa sharci
darro.
Marna Kama Tanaasulayno Wixii Aanu Xaq U Leenahay.
Xaalku Ma Qabsaa Ku Qadi Mayside.
|
|
“Xisbiga
Kulmiye Dunidaa Ina Soo Eegaysa Xaqiisa Uga Hadhi Maayo, Guddiga
Doorashadana Waxaanu Leenahay..” Shir-Jaaraa’id-xubno ka tirsan
madaxda xisbiga KULMIYE. |
“Dad
shaqaale iyo ciidamo ah ayaa lagu ruqseeyay KULMIYE aad u coddeyseen,
nabadgelyadana waxa dhaawacay …”
Hargeysa (Haatuf): “Waxa jira niman waaweyn oo siyaasiyiin ah oo dawladdan
mansabyo waaweyn ka soo qabta, sida heer wasiir, heer maayarnimo iyo
heerar kale oo kala duduwan oo maanta nasiib daro u hadlaya qaab qabiil”,
sidaa waxa yidhi xubno ka mid ah xisbiga KULMIYE oo shalay shirjaraa’id ku
qabtay magaalada Hargeysa, waxayna shirkaa jaraa’id kaga hadleen arimo
dhawr ah oo la xidhiidha mawduuca muranku ka taagan yahay ee murranka
natiijada doorashada oo ay si weyn ugu murransan yihiin labada xisbi ee
UDUB iyo KULMIYE, laakiin nimanka xisbiga KULMIYE uga hadlay shirkaa
jaraa’id waxa ka mid ahaa arimaha ay afka ku dhufteen arin la xidhiidha
sanaaduuq la xayiray ee ay rag ka soo jeedda degaanka bariga Hargeysa
sheegeen inay sanaaduuqdaa la xayiray meelka dhac ku tahay xuquuqdii
doorasho ee degaankooda, iyadoo sida la sheegay dacwad arintaa ku saabsana
loo gudbiyey maxkamadda sare, waxa kale oo ay qolada KULMIYE ka hadleen
idaacadda Raadyow Hargeysa oo ay sheegeen inaan laga sii dayn
barnaamijyada iyo wararka xisbigooda, isla markaana laga soo caayo, sidoo
kale waxay shirkooda jaraa’id ku sheegeen in dadka ciidamada iyo
shaqaalaha dawladda ka tirsan ee lagu tuhmo inay xisbigooda taageersan
yihiin la saaray cadaadis badan. Waxa kale oo ay shirkooda jaraa’id ku
iftiimiyeen mawqifka iyo waxa ay ka filayaan dacwadda natiijada doorashada
ee hadda hortaal maxkamadda sare.
Laakiin afhayeenka xisbiga KULMIYE oo ugu horayn shirkaa jaraa’id ka
hadlay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “shirkan waxaanu doonaynaa inaanu
kaga hadalo arimo khuseeya dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo arimo
khuseeya dhinaca guddiga doorashooyinka.”
Intaa ka dibna Dhimbiil waxa uu ka hadlay niman uu ku tilmaamay
siyaasiyiin, laakiin aanu magacaabin, isaga nimankaa ka hadlayana wuxuu
yidhi “Waxaad arkaysaa niman waaweyn oo siyaasiyiin ah oo dawladda ka soo
qabtay xilal heer wasiir ah iyo kuwo xilal ay maayaro ka mid yihiin soo
hayey, kuwaas oo maanta nasiib daro u hadlaya qaab qabiil ama qaab
xaafadeed, iyagoo ka mid ah nimankii shalay u ololaynayey xisbiga UDUB,
taas oo ay ahayd inay ku adkaystaan xisbignimadooda, laakiin may ahayn
inay u noqdaan qaab reernimo, waxaana la filayey inay xaaladdani tahay mid
laga gudbay siyaasaddii marba shaadh la xidhanayey oo loo gudbay nidaam
xisbiyo ah, masalan qoladayadan Kulmiye waxaanu is leenahay waxaad afkooda
ku hadlaysaan rubuc malyuun dadka reer Somaliland ah (Dadkii u codeeyey),
qoladaana (Siyaasiyiinta aanu magacaabin) waxaan filayaa inay sidaas oo
kale ahaayeen, balse may ahayn inay arin qabiil ama xaafadeed ku soo
noqdaan. Ta kale cabashooyinka laga hadlayo ee ah dad baa codkoodii la
daboolay anaguba hadii aau Kulmiye nahay waanu la qabnaa, laakiin arinta
maalinba shaadh loo gelinayo ee la leeyahay mar xisbinimo ayey ku qurux
badan tahay, marna la leeyahay xaafad ayey ku qurux badan tahay, waxaan u
arkaa inay yihiin kacdoono la abuurayo oo la doonayo in lagu jihowareeriyo
deganaanshaha iyo nabadda lagu noolyahay, waxaanse uga leeyahay dadka
noocaa ku shaqaysanaya inay iska daayaan”.
Maxamed Iid Dhimbiil waxa kale oo ka hadlay guddiga doorashooyinka, isaga
oo daba socda hadalo ka soo yeedhay xubnaha guddiga doorashooyinka, taas
oo uu gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka, C/laahi Jawaan sheegay
inuu xisbiga KULMIYE eedaymo aanay lahayn u soo jeediyey, laakiin
afhayeenka KULMIYE wuxuu yidhi “Run ahaantii guddiga doorashadu waa aadame
oo way qaldami karaan, saxna way noqon karaan, iminka anagu Kulmiye ahaan
wax badan ayaanu tirsanaynaa, waxaanuse ka xunahay xubno maanta (Shalay) u
hadlay guddiga doorashooyinka, kuwaas oo ka cawday inuu xisbiga KULMIYE
dhaleeceeyey, balse anigu ma ogi meel uu xisbiga Kulmiye ku eedeeyey
guddiga, laakiin komishan ahaan gefta iyo qaladka aad gashaan ma aha wax
la qarinayo ee waa wax ummadda loo soo bandhigayo oo loo sheegayo, anaguna
tirooyinka naga maqan sida ay tahay ayaanu u soo bandhigaynaa. Ta kale
halka dadka lagu beerlaxowsanayo ama lagu cabudhinayo ee la leeyahay
caalamka ayaa ina soo eegaya waxaanu leenahay xaq aanu leenahay uga hadhi
mayno, waxaanuse leenahay caalamka ayaa ina soo eegaya ee adigu xaq darada
ha samaynin, ummadduna waxay leedahay tolow maxay ku dambayn doontaa
natiijadii doorashadu, markaa ummadda waxaan tusayaa sida xaqu yahay iyo
waxa iga maqan, waxa kale oo aan ummadda tusayaa gefka iyo dhibka aad
keentay, waxaana leeyahay ummaddaay arka, caalamkow arka, dacwadana
waxaanu maraynaa qaabka ay leedahay, maxkamaddana waanu geynaynaa, xisbiga
KULMIYE-na waxa uu aaminsan yahay inuu yahay xisbiga ku guulaystay
doorashada, waxaanuna u aragna in xaqiisii la dhacay, taasina lagama
aamusayo.”
Ugu dambayn Maxamed Iid Dhimbiil waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “Anaga
ayey ahayd inaanu maanta ka cabano guddiga doorashooyinka, inaanu dawladda
ka cabanno anaga ayey ahayd, waayo iska dhaaf wax kale oo codkayaga ayaa
laga xayiray Raadyow Hargeysa, waayo weli shir jaraa’id oo aanu qabanay oo
ka baxa Raadyow lama arag ama fariin aanu dadka u gudbinayno dadka laga
sii daato Raadyow Hargeysa, halka inanta yar ee UDUB tahniyadaynaysa
maalin walba laga sii daayo, sidaa awgeed maadaama codka UDUB uun laga
gudbinayo, waxaanu leenahay ma aha Raadyow Hargeysa ee waa raadyow UDUB.”
Waxa kale oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay Maxamed Kaahin Axmed oo ka
mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee xisbiga KULMIYE, wuxuuna ka hadlay arimo
siyaasadeed oo dhinacyo badan leh, isaga oo ugu horayn dhaliilay
siyaasadaha maamuladii isaga dambeeyey Somaliland, wuxuuna sheegay inay
taasi qayb ka tahay siyaasadaha fadhiidka ah ee ka jira dalalka Afrika,
isaga tusaale u soo qaatay dawladdii ka jiri jirtay Jamhuuriyaddii
Somaliya dhaqamadii kelitalisnimo iyo siyaasadihii xukun qalooca ku
dhisnaa ee ay ku dhaqmi jirtay, sababayna burburkii weynaa ee dhacay,
laakiin waxa uu sheegay inaanu dhaqankaasi suulin ee uu yahay wax soo
noqnoqday oo ilaa maantadan ka muuqda hab-dhaqanka maamulka Somaliland,
wuxuuna tusaale u soo qaatay idaacadda Raadyow Hargeysa, isaga oo yidhi
“Waa ayaan daro inu Raadyow Hargeysa maanta noqon waayo Raadyowga qaran
iyo Raadyow taariikhiya, iyadoo la ogyahay taariikhda Raadyow Hargeysa,
shalay ayaa ummadda laga caayi jiray oo la caayi jiray culimada, wax
garradka, SNM-tii, maantana intii ayuun baa laga caayaa, masalan maalin
dhowayd waxa khayriyadda lagaga hadlayey xuskii ardaydii loo laayey
xadhigii dhalinyaradii UFO, dabadeedna wasiirka warfaafinta ayaa markii
meesha laga tegay inamadii weriyayaasha ahaa inaanay ka sii dayn karin
hadaladii meesha ka baxay idaacadda, laakiin wasiirka waxa ka maqan imisa
wasiir oo dawladdii Somaliyeed ka mid ah ayaa sidii ay u lahaayeen iyo
kacaan diidka soo caaya, ka mid noqday xubnihii dawladdii Siyaad Barre ee
mid-ba maalin Xamar ka baxsaday, markaa idaacadda Raadyow Hargeysa ummaddu
ma wada laha ee xisbi ayaa iska leh, ummaddana taa waanu ka
tacsiyadaynaynaa, masalan markii salaadiinta la xidhxidhay barnaamijyadii
Raadyow ka baxay waxa ka mid ahaa Samadiidow oo ka mid ah heesihii dadka
la dilayo loo qaadi jiray, sidoo kale tusaale ahaan maalintii dhowayd ee
uu xisbiga Kulmiye qabtay shirkii weynaa ee uu ku soo bandhigay qaabkii
uga cabanayey natiijadii doorashada warkaa lagama sii dayn Raadyow
Hargeysa, galabnimadiina waxa laga sii daayey war degdeg ah oo naga soo
gaadhay xisbiga UDUB, balse xisbiga UDUB ma diidanin in warkiisa laga sii
daayo Raadyow oo xaq buu u leeyahay, laakiin waxa ayaan daro ah kana waa
laga sii daynayaa, kana laga sii dayn maayo, markaa taasi waxay noqonaysaa
kacaankii iyo kacaan diidkii.”
Maxamed Kaahin waxa kale oo ka hadlay nabadda iyo xasiloonida Somaliland
ka jirta, taas oo uu tilmaamay inay bud-dhigeeda lahaayeen dadweynaha iyo
wax garadka Somaliland, balse aanay ahayn wax ay dawladda iyo golayaasha
baarlamaanku ku faanni karaan, isaga oo yidhi “Ergadii ka timi shirkii
nabadaynta ee Beer lagu qabtay markii ay Hargeysa yimaadeen ciddii diiday
waxay ahaayeen 15-kii nin ee shirgudoonka ka ahaa shirkii Hargeysa ee
97-kii, sidoo kale ergadii Hargeysa ka baxaysay ee shirka Beer tegaysay
Xasan Xaydh baa ka mid ahaa waxa lagu yidhi Israa’iil baad tegaysaan,
shirkii ugu dambeeyeyna waxa uu shirgudoonka afmiinshaariinta ah, taasina
waxa dadka walaalaha ah kala fogeeyey.”
Maxamed Kaahin waxa kale oo uu ka hadlay sanaaduuqda la xayiray iyo
dacwadda la xidhiidha in sanaaduuqdaa xayiraadda laga qaado, wuxuuna yidhi
“Masalan sanduuqii Balli-calanle hadii uu komishanku yidhi sharciga awgii
loo tirin maayo ma meeshii ayaanu muusanow la tagnaa dee sharcigii baa
diiday ee sharciga ayaanu uga ashkatoonaa, markaa maxaa loo samaynayaa
sawir ah reer hebel baa la diiday codadkiisii, laakiin saaxiibadayda UDUB
ku jira waxaan leeyahay reeraha haku meeraysanina’e aragtidiina siyaasiga
ah ka hadla ileyn ma jirto cid reera meteshaa, sanaaduuqdana asxaab baa ku
tartantay, cabashadoodana waxa loo marayaa sharciga.”
Maxamed Kaahin waxa kale oo ka hadlay arimaha nabadgelyada, laakiin isaga
oo tilmaamaya waxyaalaha nabadda iyo xasiloonida waxyeeli kara wuxuu yidhi
“Arimaha nabadda waxa wax u dhimaya dadka sharci darada lagu xidhayo,
waayo waxa jira dad badan oo sharci daro loo xidhay, arintaasna waxaanu
leenahay xukuumaddu haka dayso, masalan siyaasiyiinta qaarkood waxay
yidhaahdaan aduunyadii way ina soo eegaysaa, waa run aduunyadii way ina
soo eegaysaa, waxayna igu soo eegaysaa Somaliland ma buuxinaysaa
shuruudihii lagu aqoonsan lahaa, markaa hadii aynu mar walba dhaawacno
shuruudihii laynagu aqoonsan lahaa, oo aynu doorashada isku boobno oo aynu
maxkamaha cadaaladda la isku boobo taasi waxay dhaawacaysaa aqoonsiga.”
Maxamed Kaahin waxa kale oo shirkaa jaraa’id ka sheegay in la xidhxidhay
ama cadaadis la saaray dadka shaqaale dawladeed ah ama ciidamada ah oo loo
tiriyey inay taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, wuxuuna yidhi “Masuul
Booliska ka tirsan oo maalintii doorashada xidhay gaadhi u socda si sharci
daro ayaa la xidhay, goorma ayeynu gaadhnay arintu in marka aan masuul
noqdo xaaskaygu marka ay dembi gasho loo xidho askari boolis ah loo xidho,
taasna cadaynteeda waanu haynaa, waxa kale oo nabadgelyada dhaawacaysa
xoolaha ummadda ka dhexeeya e baanka laga gurayo ee ay inqudhina
isticmaalayso, inna lagu hor isticmaalayo, markaa waxaanu leenahay
xoolahuna ha inaga dhexeeyeen, aynuna noqono saaxiibo siyaasadda ku
tartama, taas ayaan nabadgelyada dhaawacaysa, waxa kale oo dhaawacaysa
Raadyowga ummadda ka dhexeeya ee la iska caayo, sidii shalay Raadyowga
laga lahaa taageerayaasha Kulmiye waxa la yidhi soo mudaharaada, anagu taa
maanu odhan, dadkii sidaa lagu yidhina waanu uga tacsiyadaynaynaa.”
Maxamed Kaahin waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaanu leenahay arinta wax
dhaawacaysaa waxa weeye arinta uu xisbiga UDUB uu maanta ku socdo ee uu
doonayo inuu dalkan qasab ku maamulo oo ay maxkamadaha iyo booliskuna
isaga u adeegaan, waxa jira dad shaqaale dawladeed ah iyo dad ciidamada ka
mid ah oo qaarkood lagu ruqseeyey KULMIYE ayaad u codayseen, qaarna hadda
loogu hanjabayo KULMIYE ayaad u footayseen, qaarna waxa lagu eryey waxaad
gashay guriga siilaanyo, xoghayihii dawladda hoose Gar-adag waxa lagu
bedelay Kulmiye ayaad tahay, xoghayihii dawladda hoose ee Ceerigaabona
waxa lagu bedelay Kulmiye ayaad gashay, masalan waxa jira hawl-wadeen
dawladda ka tirsan oo la siiyey aqoonsi siyaasadeed oo UDUB ah, oo weliba
jooga mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha, kaas oo loo fasaxay inuu dhaqaalahaa
sida uu doono ugu tagri falo xiligii kaambaynka, midna waxa lagu haystaa
Kulmiye ayaad u codaysay, cadaaladaasi intee bay isu jirtaa, markaa
saaxiibada UDUB waxaanu leenahay waar sidaa ku socon mayso ee ka daaya,
mana aha in qofka shaqaalaha ah ama ciidanka ah ay xuquuqdiisu qof ku
salaysnaato, masalan ciidankii Somaliyeed o 1977-kii lagu qiimeeyey
ciidanka afrikada madaw ugu tayada badan waxa uu ku burburay markii loo
kala saaray kacaan iyo kacaan diid”.
Top
Odayaasha Golaha Guurtida Oo la Gudoonsiiyay Koob Nabadda Ah. |
Hargeysa (Haatuf): Ururka Ictiraaf Raadinta
Somaliland (Siraag) oo ka mid ah ururada Qurba-joogga Somaliland
xaruntiisuna tahay dalka Ingiriiska, ayaa shalay Golaha Guurtida
gudoonsiiyay koob ay ugu magac dareen koobka nabadda, fadhi ay lahaayeen
Golaha Guurtidu oo koobkaa lagu gudoonsiiyay xarunta Golaha, waxa ka
hadlay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf oo sheegay
in ay tahay markii ugu horaysay ee abaalmarin la siiyo golahaa, wuxuuna
yidhi: “Way mahadsan yihiin taariikhda ayayna gelayaan.”
Maxamed Rashiid Sh. Xasan, ayaa isna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay
ku sheegay in aanay ahayn hadyad weyn, laakiin uu koobkani calaamad
nabadeed.
Gudoomiyaha ururka Siraag, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha ururkoodu
qabto, wuxuuna sheegay in ay jiraan ururo kale oo ay wada xidhiidheen,
isla markaana ay Jaaliyadaha iyo ururada debedda ee qurbo-jooga Somaliland
18 bisha ku kulmi doonaan shirweyn oo dalka Holland ka dhici doona. Mr. C/fataax,
wuxuu mudanayaasha guurtida tusay warqad uu sheegay inuu Raysal-wasaaraha
Ingiriiska Tony Blair ku sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya iskaga
khaldanayn, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “In badan ayaanu
arrinta qadiyadda Somaliland kala hadalay Raysal-Wasaaraha Ingiriiska,
balse inkasta oo uu noo garaabay wuxuu noo sheegay in aanu wixii mudadaa
ka horeeyay arag wa kala hadlaya arrinta Somaliland.”
Laakiin Gudoomiyaha Siraag, wuxuu xusay in ay dedaal badan sameeyeen oo ay
xataa ka guulaysteen in Basaboorka Somaliland lagu galo dalka Ingiriisak,
isagoo sheegay in ay la xidhiidheen dawladdaa Ingiriiska sidii ay dadka ka
socda hay’adaha Somaliland iyo ururada bulshada ee u baahda in ay hawlo u
tagaan dalka Ingiriiska ugu heli lahaayeen, wuxuuna sheegya in ay
wasaarada arrimaha dibadda ee Ingiriisku u ogolaatay toddoba fiise,
laakiin fiisayashii mid mooyee intii kale la iibsaday, arrintaasina ay
noqotay mid ay aad uga xumaadeen.
Gudoomiyaha ururka Siraag, wuxuu sheegay in ay ku guulaysteen in
Baasaboorka Somaliland lagu galo dalka ingiriiska, taasuna ay ahayd mid
ahmiyad gaara ay siinayeen, waxaanu yidhi; “Macno ma samaynayso
fiisayaasha waa la iibsaday ee waxa macne noo samaynaysay Baasaboorka
Somaliland oo lagu galay dalka Ingiriiska.”
Gudoomiyaha ururka Siraag, wuxuu sheegay in ay ku dedaalayaan sidii ay
golaha guurtida gacan uga siin lahaayeen in ay la xidhiidhaan aqalka
odayaasha ee Ingiriiska, wuxuuna yidhi, “Dunida aanu joogno dawladda iyo
xisbiyada lama daneeyo, waxa loo arkaa in ay wax kala jiidanayaan, laakiin
golahan oo kale ayaa la dhagaystaa.”
Gudoomiyaha Siraag mar uu ka hadlayay Baarlamaanka Ingiriiska, wuxuu
sheegay inuu markii hore jiray mudane arrinta Somaliland aad uga doodi
jiray, laakiin ay hadda ku guulaysteen 27 mudane in ay ku yeesheen
Baarlamaanka, oo ay soo kordhayaan Mudanayaasha ka caawinaya in ay ka
hadlaan arrita Somaliland, wuxuuna gudoomiyaha ururka Siraag gudoonsiiyay
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Sheekh Ibraahim koob ay ugu magac-dareen
koobka nabada.
Fadhigii golaha ee shalay ka hor intii aan la gudoonsiin koobka waxa ka
socotay dood ku saabsan xeerka ugaadha oo golaha wakiilladu hore ugu soo
gudbiyay.
Top
“Waaan Xusuustaa Kelmad Uu Saleebaan-Gaal Ku Yidhi Marxuumkii,”
Kaltuun X.Daahir. |
“Waxa laga joogaa 6 sannadood iyo 3 bilood
markii lagu doortay Maxamed Ibrahim doorashadii shirkii baarlamaanka iyo
guurtida ee ka dhacay Somaliland. Xafladii dhaarta ee lagu qabtay
Madaxtooyadana wuxu kaga ballan qaaday inuu hirgelin doono habka axsaabta
xorta ah. Taas oo muddo ka dib keentay dhalashadii XISBIGA DIMUQRAADIGA
UMMADA BAHAWDEY (UDUB). Waxooga ka bacdina lagu dhawaaqey Axsaab
siyaasadeed kale oo ay ka mid ahaayeen , UCID, SAHAN, HORMOOD, KULMIYE,
iyo ASAD.
Waxa dhacday in bishan aynu ku jirno ee April bisheedii sanadkii hore aanu
u baxnay dalka S. Africa ee uu madaxweyniliii ku soo geeriyoodey,
daawooyinkii loo qoray ee lagu yidhi halkan ku dhamayso wuxuu ka doorbiday
in uu duuduub ku qaato oo dalkii kula noqdo. Isagoo mar walba jawaabtiisu
ahayd "Wax isugaya Saddex Doorasho oo waaweyn", mana soo noqon karo
doorashooyinkaas oo iga dhamaada maahee. Ma ay noqon sidii uu ku
tala-galkiisu ahaa ee waxay noqotey sidii Illaahay ugu talo galay waana
kii ka (MANA QAATEY).
Illaahay mahaddii sidii Marxuumku niyadda ku hayey ayay doorashadii
koowaad inoogu dhacday bishii December 15keedii. Si nabadgelyo lehna way
inoogu dhammaatay, Illaahayna mahad badan aynu uga celino.
Wakhtigaa waxa aad loo hadal hayey in dawladda wakhtiga 1oo kordhin doono,
laakiin ay taa dawladdu ka doorbiday in aan dhabihii marxuunku jeexay laga
weecan. Waanan ku amaanayaa.
Taasi waxay lammaanaysay doorashii distoorka Somaliland oo iyana baal
dahab ah ka gashay taariikhdeena. Doorashada degaanku waxay u dhacday si
nabad gelyo ah oo aan lays xagxagan, dhibaatana ka dhicin.
Waxa dib inooga dhacday oo aan inoo hirgelin doorashadii guurtida iyo
baarlamaanka oo muddo lagu daray, taana goortii Illaahay idmo ayaa la
qaban doonaa.
Waxa taa ka weyneyd oo dibad iyo gudaba looga dheg taagaayey doorashada
Madaxtooyada Somaliland, nasiib wanaag waqtigii loogu talogalay ee ahyd
14-April ayey qabsoontay. Waxaad moodaa inuu madmadow ka dhashay
natiijadii doorashada oo qolo waliba wax is weydaarin ku cabatay, inkastoo
aanay weli soo bixin natiijada maxkamada Sare.
Waxaan leeyahay oo ku celcelinayaa in aanay arrintu maanta dhextaagnanyn
laba xisbi oo kala guulaystay, oo koleyba guushu cid ayuun bay raaci
lahayd, laakiin arrintu maanta waxay taagan tahay badbaadintii Somaliland
mar saddexaad la badbaadin lahaa, waar arrintu ma sahlana ayaan mar labaad
idin leeyahay, meeshii 60-kii ayay maraysaa dalka hala badbaadiyo oo
halagu guntado.
Dadkii dalkan lahaa ee lexejecladu ka haysay maye, Culamaa'udiinkii,
Siyaasiyiintii, Salaadiintii, Cuqaashii, Beel-dhaqmeedyadii, ganacsatadii,
. waxgaradkii, mutacalimiintii. Waxaa maanta dadku u baahan yahay
wacyi-gelin aad u fara badan iyo isu caqli celin.
Sababtoo ah, dadkii waxa ku qufulan kala shaki waxaana abuurantay xamaasad
iyo jahwareer siyaasadeed oo cakiran. Waxaa waajib ah oo xasanaad
Illaahayna ku jiraa in xaqa lagu adimaa haddii uu mur ka qadhaadh yahay,
taasaana loogu hiilin karaa xaqa, xoriyadda, iyo dimuqraadiyadda. Waxaa
quman in aan la sugin inta xeedho iyo fandhaal kala dhacayaan wax walibana
dayacmayaan.
Waa mid meesha ku jirta in lays xusuusiyo nabadda aynu maanta haysano,
waana arrin aynu caalamka ka iibin karno, taasoo ah arrin laynagu majeerto,
cidkastaaba nabadaa hormood ha u ahaato oo dhidibada ha u taagtee. Waa in
la dhawro oo dibindaabyada laga ilaaliyo. Taasi waxay ina xusuusinaysaa
hadalkii waayeelnimada iyo odaytinimadu ka muuqatey ee xambaarsananaa
murtida culus ee uu yidhi Ahmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo) ee ahaa "Dalka
annagaa cid walba uga lexejeclo badan".
Inaynu murtidaa sideeda u qaadano oo qofwaliba nabadgelyada dhiniciisa
iska taagaa waa waajib ina wada saaran. Nabadgelyadu waxa ay micno iyo
qiimo ugu fadhidaa cid aan hayn.
Waxaan jeclahay inaan ka jawaabo su'aal had iyo goor igu soo noqnqota oo
ah xisbiga iyo cidda aan taageersanahay. Horta anigu waxaan ahay (Hooyadii
Somaliland) mar haddii aan hooyo noqdayna waxaa igu qasab ah in ay ii
sinnaadaan xisbiyada siyaasiga ah ee dalka ka jiraa, mucaarid iyo
muxuufidba. Iyaddoo arrintaasi jirto, ayuu haddana xisbiga UDUB yahay
xisbi aan aasaaskiisa iyo dhismihiisiiba gacan weyn ku lahaa.
Aqalkaygiina ka soo unkamay oo aan ugu wan-qalay. Aniga iyo Mohamed
Ibrahim baana bixinay magaca UDUB, waana waajib isaaran inaan ku
tahniyadeeyo guusha uu gaadhay. Haddaba aan eray kaftan ah raacsadee waxan
ahay UDUBtii hore ee ma ihi UDUBta cusub sida ay rag ku tiraabaan.
Waxaan xusuustaa kelmad aad u miisaan weynayd meeshana ku jirtay oo uu
Saleebaan Maxamuud Aaden (Saleebaan-Gaal) ku yidhi Mohamed Ibrahim Egal
markii uu kaga guuleystay doorashooyinkii 1997kii, ereygaa oo ahaa "Madaxweyne,
waxaan ku xusuusinayaa in kii kuu codeeyey iyo kii kaa codeeyeyba aad
maanta labadaba Madaxweyne u wada tahay.' Marxuumku markaa isagoo ereygaa
tixgelinaya ayuu xubnihii ugu muhiimsanaa dawladdii uu markaa dhisay ka
qaatay guruubkii aan u codayn, markii dambena xubno waxtara ka noqday
dawladii. Isla eraygaa ayaan u jeedinayaa xisbiga maanta guuleystay inuu
maanka ku hayo kuna dhaqmo.
Waxaa marxuumkii labadiisa hadaf ee ugu waaweyni ahaayeen in
doorashooyinka la hirgeliyo iyo in ictiraaf la helo. Doorashooyinkii way
inoo hirgaleen taa waxa daba socday oo sanka ku soo hayey ictiraafka sidii
dawladaha qaar inoo ballaD qaadeen. Ilaahay idamkii si dhakhso ah ayeynu u
heli doona ictiraafka. Dawladuna waa in ay guntiga dhiisha isaga dhigto,
hadafkeeda koowaadna ka dhigato.
Hadal iyo murti, jid dheer baynu soo marnay iyo tacab, tacab dabadii baana
raaxo la gaadhaa. Weynu soo marnay wixii dhibaato ahaa inaga oo u dhabar
adaygnay Illaahayna inala qabtay, haddaba yeynaan noqon kuwii tacabkoodii
gacantooda ku dumiyey ama ku baabi’iyey, ee aynu ilaashanno oo aynu
hareeraha iska taagno. Xornimada iyo nabadgelyada ilaahay inagu manaystay
oo ah deeq iyo raxmad aan oolin Afrika inteeda badan iyo dalal la
ictiraafsan yahay oo kaleba, taas oo laga yaabo in aan badhkeena badaniba
maanta garanayn; Ilaahay baa mahad leh.”
Top
Xoghayahaga Gaashaan-Dhigga Maraykanka Oo Booqanaya Dalal Khaliijka
Ah. |
Dubai (W. Wararka) Xoghayaha arrimaha debadda
ee Maraykanka Donald Ramsfeild ayey maalintii shalay u bilaabantay
booqasho uu ku marayo dalalka Khaliijka waxaanu booqashadiisa ku bilaabay
dalka Imaraadka Carabta, isaga oo uga sii gudbi doona dalalka kale oo ka
tirsan Khaliijka.
Donald Ramsfeild oo muddada uu joogo dalka Imaraadka Carabta wada hadalo
la yeelan doona madaxda dalka Imaraadka Carabta waxa uu la soo qaadi
doonaa arrimo ay ugu horeyso xaaladda dalka Ciraaq iyo ciidamada
Maraykanka ee ku sugan dalkaasi.
Ka dib waxa uu gudbi doonaa dalka Qatar oo uu ku yaalo saldhiga dhexe ee
looga taliyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan Khaliijka, isaga oo ka war
heli doona halka ay marayaan dagaalkii ay ciidamadaasi ka wadeen dalka
Ciraaq.
Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanku waxa kale oo lagu wadaa inuu
booqasho ku tago dalka Ciraaq oo ay ciidamada Maraykanku ka wadaan
hawlgalo ay ku dejinayaan dalkaasi, ka dib markii ay xukunka ka tuureen
maamulkii Sadaam Xuseen.
Booqashadiisu waxay ku soo beegantay iyada oo aanay caddayn muddada ay
ciidamada Maraykanku ku sugnaanayaan dalka Ciraaq iyo iyada oo uu socdo
hawsha dib loogu dhisayo dawlad ku meel gaadh ah oo dalkaa laga dhisayo.
Top
GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.
|
Waxa kale oo jira wax la yidhaahdo
Markhaati-bacood: masalan waxa dhici karta inay isku dhegaan laba beerood
ama daarood, oo aanay muddo cidina deganayn, ka dibna ay asaartii u
dhaxaysay guurtay ama baaba’day, isla markaana aanay qolona haysan
markhaati iyo cabir wax cadaynaya, laakiin ay qolo waliba dhinaceeda
leedahay meeshaydu waxay ahayd halkan iyo halkan, sidoo kalena dadkii
meesha yaqaanay iyo deriskiina waxay yidhaahdeen si sugan u garan mayno,
balse waanu malaynaynaa.
Sidaa awgeed markay taas oo kale timaado qoladii tidhi si sugan u
garan-mayno laakiin waanu malaynaynaa, ayaa loo dhiibayaa ul oo la
odhanayaa meesha aad u malaynayso inay ahayd xariiq, taas oo haddii ay
masalan dhawr qof yihiin marba qof la odhanayo meeshii xariiq ama is-dultaag,
markaa taas oo kale ayaa la yidhaahdaa markhaati-bucood.
Waxa kale oo dhacda in qof yidhaahdo hashaas anigaa leh, dhulkaa anigaa
leh ama shaygaa anigaa leh, kama iibin hebel mana siin, taas oo kale
markaad tidhaahdo waxay noqonaysaa sheeko ama warbixin, waxayse gar
noqonaysaa marka aad tidhaahdo “Gurigaa anigaa leh, inaan leeyahayna waan
cadaynayaa ama markhaati baan u haystaa.”
Markaa arrinta aad cid u sheeganayso ama laguu sheeganayo ee aad iska
riixayso waxa lagama maarmaan ah inaad markhaati u oogato, ama wixii kale
ee aad cadayn u hayso, isla markaana marka aad gar ooganayso waxad raacin
kartaa maah maah, odhaah, gabay, ama geeraar iyo murti kaleba marka aad
taas oo kale markhaati u oogato waxa la yidhaahdaa Rugayn, laakiin marka
aad hadalkaaga murti raaciso waa sii adkaysay oo waxa la yidhaahdaa lafayn,
adiga oo weliba sii raacinaya “haddii ay ii cadaato waxay leedahay baan
doonayaa”, balse haddii arrintii sheegto oo aadan hogteedii gaadhin cid
kale wax kuugu dari mayso, waxaana jirta erey la yidhaahdo “Wixii kuu naf
ah ka hadal ama maxaa kuu naf ah”, taas oo macnaheedu yahay wixii aad ku
dacwiday ama wax daadefaysay inaad bayaamiso oo aad markhaati ama cadayn
soo bandhigto.
Marka aad arrin iska difaacayso inaan gar iyo jid laguugu lahayn waa inaad
sheegto, cadaynteedana raaciso inaan gar iyo jid laguugu lahayn, sidoo
kale marka aad wax ku dacwiyeyso ama aad sheeganayso waa inaad wixii
sheegto, caddaynteedana raaciso.
Waxa kale oo jira arrin kale oo la xidhiidha ama ku lug leh garta iyo
dacwigeeda, taas oo ah wax la yidhaahdo Feenis (ka baaraa-deg).
Arrintaa macneheedu wuxuu yahay in inta aad debada joogto ee aadan soo
gelin xayndaabka garta inaad arrinta debadda kaga soo baaraa-degto, taas
oo loo baahanyahay in ciddii aad caqli ama garasho ku tuhmayso aad wax
weydiiso si aad golaha ula tagto wax dhamaystiran oo aad shilinta iyo
qodoxdaba ka gurtay, wixii kugu adkaadana waa inaad weydiiso ciddii aad
aqoonteeda ku tuhmayso ama aad isleedahay arrintaa waxbay ka garanayaan,
iyada oo loo baahanyahay inaad hubto in cidda aad wax weydiinaysaa ay
tahay cid kaaga run sheegaysa wax aad weydiinaysaa, sidoo kale cidda aad
wax weydiinaysaa waa inaad iska hubto inaanay waxa aad weydiinayso inay u
gudbinayaan cida kale ee aad is-haysaan, sababta ay wax u gud-binayaan ha
noqoto hiil, baahi ama xadhig xidhasho kaleba.
Ta kale marka aad gartaada marsanayso ma aha xoog ama jujuub waa inaad
gartaada u bandhigataa si hufan oo aaddan waxba la hadhayn, isla markaana
aad wax walba marsiisaa dariiqa ay leedahay, iyadoo uu garta dhaqankeedu
yahay inay cid waliba arinta Axalo-cunsiiso, taas oo macneheedu yahay inuu
qofku gartii oo saafan sheegto, isla markaana la waayo wax lagaga
eed-sheegto hadii gartaa ambiil kasta laga qaato oo uu hadalku noqdo “Ina
Sanweynena u geeyow gartu waa sidaa”.
Laakiin waxay iswaydiintu tahay waa sidee sida aad garta u
Axalo-cunsiinaysaa. Taasi waxa weeye marka aad marto jidkan ee la
yidhaahdo: Muduci ma kaa maqan yihiin wax aad u Cinbataa (Wax ma kaa
xidhan yihiin)? Maxaa kuu naf ah ? Ma dhaabbadaysay? Intaas ayaanu naf
kaaga soo qaadnaye maxaanu kaa dhaafnay, markhaatigaa maxaad u sheegaysaa
oo xumaan ah iyo waxyaalo kale oo su’aalahan la mid ahina waxay ka mid
yihiin qaacidooyinka garta dhaqanka.
Tusaale ahaan nin baa damcay inuu daadefeeyo nin markhaati ku ah, ninkaa
markhaatiga ahina waxa uu ahaa nin dawersada, ka dibna ninkii wax
daadefaynayey wuxuu yidhi “Mar hadii uu Caado-qaate yahay oo uu kunka
shillin, boqolka shillin, ganbada iyo wixii la siiyoba qaadanayo inaanu
kaas oo kale markhaati igu furi karin oo uu Caado-qaate yahay muduic baan
ka ahay, waxaana iiga marag ah xer-beegtidiinaa.
La soco.
Top
DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA.
|
Mengistu: Meelkasta ha ahaato ama si kasta ha
ahaatee dagaaladii taariikhiga ahaa ee dalka ka dhacayey cidkasta oo
shicibka iyo nabadgelyada khalkhal gelisa ama ciidanka cadaw gacanta u
gelisa iyo cidkasta oo dembiyada caynkaas oo kale ah ku kacda ciqaabtoodu
waxay ahayd mid aad u weyn, taasina waa sharci ay ciidanku iska leeyihiin
goob kasta oo dagaal ka socdo, waana sharciga goobaha dagaalka.
Markaa talaabada ay nimankii saraakiisha ahaa qaadeene waa taas oo kale,
oo qofka dembigaas oo kale gala ciidanka hortiisa ayaa lagu dilayey. Sidaa
darteed maadaama ay nimanka la laayey sidaa yeeleen may jirin wax aan kaga
soo horjeeday talaabada laga qaaday, markaa iska dhaaf wax xun oo la
yidhaahdo’e xataa waxay mudan yihiin in loo mahad celiyo, waayo
dhibaatadii wadankooda ku soo socotay waajibkii ahaa inay ka horjoogsadaan
inka badan ayey guteen. Isla markaana hadii aanay sidaas yeelin oo aanay
talaabadaa qaadin wax guul ah maanu gaadhneen, waayo dhibaatada ay
IHABA-du geysteen ciidanka hadii la yidhaahdi soo noqda xataa may soo
noqdeen hadii aan nimankaa laga qaban ama laga dhex saarin.Ta kale ciidan
ahaan sharciyada caynkaas ahi waxay ahaayeen kuwo aanu lahayn kacaanka ka
hor.
Dadka rayidka ahi ma fahamsana sharciga caynkaas ah, balse ninka askariga
ah marka uu taliyihiisu yidhaahdo “Soco oo halkaa mar”, ma aha inuu ugu
jawaabo “Waayo maxaan u marayaa” ama su’aalo dib ugu celiyo taliyihiisa,
taasi sidee bay uga dhex dhici kartaa ciidanka dhexdiisa. Waayo ninka
askariga ahi isaga oo arkaya inuu jar ka dhacayo oo lagu amro inuu jarkaa
ku dhaco inuu diido iska dhaafoo xataa inuu yidhaahdo ma aha “Waayo”.
Markaa ninka askariga ah iyadoo ay xabbadu dhacayso oo la yidhaahdo halka
hore e dagaalka u soco waa inuu dhaqaaqo, ninka taliyaha ahina waa inuu
hadii la amro isna sidaas oo kale yeelaa, ninka hogaamiyaha dagaalka ahna
ciidanka uu hogaaminayo masuuliyadoodu isaga ayey dusha ka saarran tahay,
markaa hadii uu siyaasado iyo arimo loo baahnayn dhex geliyo waa lagala
xisaabtamayaa, isla markaana in wixii dembi ah ee uu galo in lagala
xisaabtamo ninka hogaamiayaha ma aha wax lagala gabanayo ee waa sharci
ciidan oo dhafoorka ayaa laga saarayaa, sidaa awgeedna qofka marka la
caleemo saarayo ee xil loo dooranayo inta uu farxayo in le’eg ayey tahay
inuu ka soo baxo ama guto waajibka saarran, laakiin hadii uu hawshiisa ka
soo bixi waayo waxa jira wax kale oo loogu bedelayo. Ta kale in ninka laga
abaal mariyo wixii dembi ah ee uu galo waa sharci ciidanku leeyahay ama
waa dhaqan aasaasi ah oo ay ciidanku leeyihiin, masalan hadii lagu jiro
dagaal qadhaadh ninka taliyaha ah ee ay saarran tahay masuuliyadda
ciidankaas iyo nafahooda hadii la arko isaga oo ciidankii naftooda u
halaagaya ama ku naf-waasiinaya si aan loo baahnayn waxa la marinayaa
ciqaab adag oo keenta inaanay mar dambe taas oo kale dhicin.
Asalkaba dagaalku ma galo ama ma laha goolaaftan, isla markaana dagaalku
waxa uu u baahan yahay dhishibiliin adag, umana baahna calool-jileec iyo
go’aamo walaac leh. Sidoo kale hadii uu qof ama laba qof ay sabab u
noqdaan dhimashada dad badan oo ay dhimashadoodu u dhacday si qaldan,
markaa kuwaas oo kale ciqaabtoodu waa toogasho, taasina waa wax sharciga
ciidamada ku jirta oo uu caalamka oo dhan lagaga dhaqmo. Sidaa awgeed
hadii aanu anagu samayno wax ka duwan sharciga ciidamada ee caalamka oo
dhan lagaga dhaqmo maxay tahay sababta aanu sidaa u yeelaynaa. Laakiin
arintan waxaan u malaynayaa inaanay dadka rayidka ahi sidaa u fahamsanayn
waayo waa sharci ciidan.
La soco.
Top
Biixi markii uu Hargeysa ka baxay waxa uu
utagay reerkoodii miyiga, ka dibna maalintii dambe ayuu baabuurkii kaga
degay Daabiyad yar oo u dhaw miyiga reerkoodu deganyahay.
Biixi markii uu baabuurka ka soo degay waxa uu fadhiistay makhaayad,
dabadeedna markii uu koob shaah ah cabay ayuu nimankii reer miyiga ahaa ee
makhaayadda fadhiyey weydiiyey reerkoodii iyo meesha uu yaalo, taas oo
markiiba nimankii makhaayadda fadhiyey u sheegeen, iyaga oo ku yidhi
“adeer reer Mooge waxay yaaliin meel aan magaalada sidaa uga fogayn,
waxaadna sii raaci doontaa qolyaha galabta caraabaya ee ay isku jiida
yihiin”, laakiin nimankii waxay Biixi su’aaleen “adeer adigu xageed ka
timid, maxaadse isu tihiin reer Mooge”, ka dibna Biixi wuxuu ugu jawaabay
“Anigu waxaan ahay ina Mooge”, dabadeedna waxay su’aaleen “oo adeer xageed
ka timid?”, wuxuuna ku jawaabay “Adeer xagaa iyo Ingiriiska ayaan ka imid”
ka dibna nin oday ah oo ay reer Mooge is-xigaan ayaa isaga oo yaaban yidhi:-
“Adeer wax Ilma Mooge ah oo debadaha ku maqan nin baa jiray, ninkiina wuu
dhintay oo dhawr sano ka hor ayaa geeridiisa naloo soo sheegay, axankiisii
iyo agaskiisiina berri hore ayaa reerkoodu dhigay, markaa xageed baad
adigu ka timid?” , dabadeedna Biixi oo arrintaa ka jawaabaya , isla
markaana garanaya odayga la hadlaya, ayaa hadalka qaatay, wuxuuna yidhi
“Adeer anigu waxan ahay inankii ina Mooge ee debadda jiray, ee la idinku
yidhi wuu dhintay, aniguna waan maqlay in aabahay iyo reerkayaga lagu
yidhi wuu dhintay, balse taasi waa been, cidda sidaa soo sheegtayna waa
cid dembi weyn ka gashay aniga iyo reerkayagaba.”
Odayaashii way yaqiinsadeen hadalka Biixi, laakiin Biixi markii uu cabaar
tuuladii joogay, ee ay goor barqo ah tahay ayaa waxa soo galay wiil
dhalinyaro ah oo ay Biixi Ilma Adeer yihiin, isla markaana ka mid ah
dhalinyaradii miyiga joogtay ee ay Biixi isku ayniga ahaayeen, dabadeedna
wiilkii dhalinyarada ayaa soo fadhiistay makhaayaddii uu Biixi fadhiyey,
wuxuuna markiiba isha ku dhuftay Biixi oo meesha fadhiya, dabadeedna wuxuu
hoosta iska weydiiyey “Waar ninkaasi miyaanu Biixi ahayn” ka dibna qoladii
makhaayadda uga soo horeysay ayuu mid ka mid ah su’aalay “Waar ninkaasi
tolow ma yahay nin aan mooday”, ka dibna ninkii ayaa ugu jawaabay “Kumaad
mooday?”, wuxuu haddana yidhi “miyaanu ahayn ninkii ina Mooge, ee Biixi la
odhan jiray ee la inagu yidhi wuxuu ku dhintay Ingiriiska”, ninkii baa
haddana ku jawaabay “waa isaga laftiisii” dabadeedna wiilkii dhalinyarada
ahaa intuu soo kacay isaga oo naxsan ayuu Biixi isa soo dul-taagay oo ku
yidhi “Waaryaa Biixi ii waran inaadeer”, Biixi ayaa ninkii dul-taagnaa kor
u eegay, wuuna gartay ka dibna wuu gacan qaaday, wayna sheekaysteen, taas
oo uu nin waliba dhiniciisa ka waramay waayihii soo maray intii ay kala
maqnaayeen.
Biixi iyo wiilka ay Ilma-adeerka yihiin oo magaciisa la odhan jiray Raage
waxay dib u xusuusteen, kana sheekaysteen waayo-waayo iyo
carruurnimadoodii ay miyiga wada joogi jireen, laakiin waxa kale oo ay
iska waraysteen nin walba wixii u soo kordhay dad iyo duunyaba taas oo
midba midka kale uga waramay.
Biixi wuxuu u sheegay wiilkii Inaadeerkii inaanu imika xila iyo xoola
toona hayn, wax ubad ahna uu hal wiil dhalay, wiilkiina ay maanta kala fog
yihiin, isla markaana uu ka rajo xunyahay sida ay dib isugu arkayaan.
Biixi iyo wiilkii inaadeerkii Raage markii ay maalintii oo dhan
daabiyaddii joogeen ee iska sheekaysanayeen ayey galabnimadii u caraabeen
degmadii miyiga, iyada oo ay Biixi reerkooda iyo Raage reerkooda oodu u
kala go’antahay, oo ay yaaliin laba meelood oo aad isugu dhaw, laakiin
waxay socdaanba markii ay gaadheen meeshii degmadu tiilay ee ay guryihii u
muuqdeen, goortu ay tahay xili ay cadceedu sii dhacayso, oo ay godka
dhinaca la gashay, ayuu Raage yidhi “Biixiyow gurigiinii waa kaa,
kaayaguna waa ka dhinacan ka xiga”, dabadeedna iyaga oo aan kala leexan oo
wada socda ayey u baydheen dhinaca Biixi gurigooda, ka dibna waxay ku soo
baxeen odaygii Biixi aabihii oo guriga duleedkiisa adhi mayracaya, odaygii
Biixi aabihii ayaa arkay labada nin ee ku soo socda, dabadeedna intuu
eegay ayuu hoosta iska weydiiyey “Waar tolow maxay ahaayeen nimanka
dhalinyarada ah ee soo socdaa”, laakiin markii ay ku soo yara dhawaadeen
ayuu gartay wiilkii uu adeerka u ahaa ee Raage, wuxuuna hoosta ka yidhi
“oo tolow Raage gartaye ka kale muxuu ahaa.”
Biixi wuxuu labisanyahay surwaal iyo shaadh, wuxuuna tuurta ku sitaa
shandadii ay waxoogaaga maryaha ahi ugu jireen ee uu London kala yimid iyo
kiish maro ah oo uu ku soo guray kiilooyo sonkor ah iyo kuwo timir ah ka
dibna Biixi iyo wiilkii Inaadeerkii ee ay wada socdeen waxay soo socdaanba
waxay isa soo dultaageen odaygii Mooge ee Biixi aabihii oo bur yar badhida
ku haya.
La soco.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dhulkayagii waxa lagu dhisanayaa sharci darro. |
Waxaanu ku war helnay iyada oo dhulkayagii la
iska dhisanayo oo seeskii la jeexay, isla markaana loo dhisanayo si sharci
darro ah, dhulkaas oo ku yaal Indian Line-ka waxa laga dhacay dad agoomo
ah, iyada oo meesha la dhisanayaa ay tahay wajahadii gurigayaga, taasna
markii aanu aragnay dhabanka iyo gacanta ayaanu isa saarnay, laakiin
haddii aan arrintaa wax la qaban waxa dhibaatadda ka timaada ka masuul
noqonaya cidda sharci darrada dhulkaa ku bixisay, waxaanse la yaabanahay
guryaha dawladda ee Indian-line-ka ma dawladda hoose ayaa xukunta mise
hawlaha guud, iyada oo markaa si sharci darro ah guryahaa wajahadahooda
loo kordhisanayo.
Aniga oo magaalada u dhashay, laakiin aan meel yarna ku lahayn ayaa halkii
yarayd ee awoowgay lahaa la iga horjoogsaday, aniga oo leh ku deegaanka
loo doortay iyo madaxda sare ee dawladda ma waxay kuraasta u fuuleen
agoomaha dhacooda.
Khadiija Maxamuud, Hargeysa.
Top
Marna Kama Tanaasulayno Wixii Aanu Xaq U Leenahay. |
Wixii dambi ka yimaadda ama hadda ka dhacaya
doorashada waxa dusha ku qaadaya oo ka masuula hay’addii loo dhaariyey ee
guddiga doorashooyinka kuwaas oo iigu muuqda inay baal mareen wixii lagu
aaminay, waayo waxay ahaayeen niman dhexdhexaad ah oo loo dhaariyey inay
kala saaraan, xisbiyadda tartamaya ee siyaasadda iyo inay ka xaqsooraan
arrimaha doorashada, waxaadse moodaa inay ka boodeen dhaartii iyo xilkii
la saaray, taasna waxa u markhaatiya markii ay soo saareen natiijo aanay
hubin, iyaga oo qirtay inay qaldameen, laakiin haddana sheegay inaanay dib
u saxayn khaladkii ay ku dhawaaqeen markaa miyaan la odhan karin
Komishanku waa niman aan danaynayn Somaliland, kana taliyey sidii ay u
baabi’in lahaayeen dawladda jirta , waxaana la odhan karaa waxay u
egyihiin niman ay ku jiraan gacmo aan la ogeyn iyo danaysiga gaar ahaaneed.
Guddiga doorashooyinku may sheegi kari waayin tirada saxda ah ee dadka
codeeyey iyo xisbi waliba inta uu leeyahay, laakiin waxaan u arkaa inay
yihiin niman ku tumanaya caddaaladda iyo danaha muhiimka ah ee loo igmaday,
iyaga oo u muuqda niman dhaar jiidh ah, ninkuna haddii uu dhaar jiidh
yahay waxay diintu cadaynaysaa inaanu masuul noqon karin.
Sidaa awgeed waxaan dadka aqoonta leh iyo dadka waxgaradka sida culimada,
salaadiinta, aqoonyahanada iyo waxgaradka kale u soo jeedinayaa inay
arrinta natiijadda doorashada ee ay xisbiyadu isku hayaan xal u helideeda
ka hawlgalaan, si loo helo xal lagu damiyo wixii dhibaato ah ee ka iman
kara arrintaa, aniga oo leh xataa haddii xal kale la waayo ha la tirtiro
doorashadii, sidii Nigeria oo kale.
Waxa kale oo aan dadka u sheegayaa inaanu xisbiga KULMIYE yeelayn wax xaq
darro ah, isla markaana aanu doonayn xaq aanu lahayn, laakiin aanu ka
tanaasulayn wixii uu xaq u leeyahay.
Faarax Jaamac Xirsi, Hargeysa.
Top
Xaalku Ma Qabsaa Ku Qadi Mayside. |
Xisbiga KULMIYE waxaan u arkaa inuu yahay xisbi
xaqiiqda ka fog, ayna ka muuqato damac siyaada ahi, isla markaana
gashanaya shaadhadh kala duwan laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay
xisbiga KULMIYE ma xaq buu wax ku doonayaa mise xoog, iyada oo loo
baahanyahay in si xalaal ah oo aan xag-xagasho lahayn wax lagu doono, isla
markaana aan la iska lumin sharafta iyo kalsoonida.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa si xun wax u sheeg sixir ka daran, markaa
xisbiga KULMIYE wuxuu adeegsaday waxyaalo badan oo aan u arko inay ka
baxsantahay nidaamka doorashada, iyada oo ay tahay in laga fogaado wixii
umadda kala fogayn kara, isla markaana loo baahanyahay in la tixgeliyo
midnimada iyo wada-jirka umadda Somaliland oo aan lagu degdegin wixii
burbur inagu keenaya, waayo waxaynu leenahay cadaw badan, oo inaga
faa’iidaysan kara, markaa ma fiicna inaynu gudaheena eegno, waxaana la
yidhi “Waayeelow waxna garo waxna laguu sheeg.”
Sidaa awgeed asaxaabtii doorashada wada gashay mid helay iyo mid waayeyba
waxa waajib ah inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, isla
markaana haddii ay wax khaldani jiraan waa in la isla eego sidii loo sixi
lahaa, khilaafka jirana waa in si sharci ah lagu dhameeyo, loomana baahna
wax rabshad iyo buuq ah, aniga oo leh inagu aynu arrinteena xalilano xaq
iyo xal midkay doonto ha noqotee, waxaana lagama maarmaan ah in la isu dul
qaato ama la isu samro.
Ta kale labada xisbi ee hadda muranku ka dhex taaganyahay (UDUB IYO
KULMIYE) kii helaaba xaq buu u leeyahay, kii waayaana berrito ayuu heli
karaa, waayo adduunku maanta uun maaha ee intaa waxbaa isbedelaya.
Markaa xisbiga KULMIYE haddii laga helo waa inuu haneeyaa, haddii kale oo
aanay arrintiisu noqon ku qabso ku qadi mayside.
Axmed Maxamuud Cali, Hargeysa. Top
|