Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 321 Date April 29, 2003

“Go’aanka Saxa Ah Ee Komishanku Gaadhay Ayay Maxkamaddu Ku Dhawaaqaysaa, KULMIYE- Na Ha Iimaaansado Oo Ha Hambalyeeyo”,  wareysi khaas ah-Wasiirka Daakhiliga.

Shir Lagaga Hadlayo Soo Aayaha Ciraaq Oo Ka Furmay Baqdaad.

Walaac Ka Dhashay Gubista Goobo Muhim Ah Oo Ciraaq Ah.

Masaajid Si Weyn Loogu Muransan Yahay Dalka Hindiya.

“Annagu Xisbigii Soo Baxaba Waanu La Shaqaynaynaa," Wareysi-Guddoomiyaha Ururka SIRAG.

Dawladda Haboon (Qeybta 6aad), URURKA QIIMEYNTA WAXQABADKA DAWLADDA & HORUMARKA BULSHADA (Wax u qabo).

Garta dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida.

Jilbo-dhiig.

Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga.

Maqaal, Nadiira Maxamed Odawaa.

Raadiyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.


“Go’aanka Saxa Ah Ee Komishanku Gaadhay Ayay Maxkamaddu Ku Dhawaaqaysaa, KULMIYE- Na Ha Iimaaansado Oo Ha Hambalyeeyo”, “Nabadgelyo-daradda waxa wada KULMIYE, cidii nabadgelyo-darro wadana waanu qabanaynaa oocidna uga baqan mayno…” wareysi khaas ah-Wasiirka Daakhiliga.

Hargeysa (Haatuf): “Sidii ay Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu u dul taagnaayeen Komishanka, uma ay dul taagnaanayn Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu, cidda nabadgelyo-darrada wadaana, waa Xisbiga KULMIYE.” Sidaa waxa ydhi wasiirka arrimaha gudaha, Ismaaciil Aadan Cismaan oo uu Wargeyska Haatuf la yeeshay wareysi khaas ah oo la xidhiidha marxaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo muranka ka taagan natiijada doorashada, iyadoo uu murankaasi u dhexeeyo xisbiga UDUB ee uu wasiirku ka tirsan yahay iyo xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. Laakiin Wasiirka Daakhiligu, wareysigaas uu wargeysku la yeeshay oo aad u dheeraa, waxa uu jawaabo kaga bixiyay su’aalo badan oo laga weydiiyay eedaymo hore loogu jeediyay isaga laftiisa iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda nabadgelyada dalka, iyadoo ay su’aalaha la weydiiyay ka mid ahaayeen, sida uu xisbigoodu yeelayo haddii ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo go’aan ka duwan kii ay Guddiga Doorashadu soo saareen ee xisbigooda guusha siiyay, taas oo uu wasiirku jawaab xiiso leh ka bixiyay.

Wasiirku waxa uu xisbiga KULMIYE dusha ka saaray eedaymo badan oo la xidhiidha dhinaca nabadgelyada, isla markaana wuxuu beeniyay eedaymo ay hogaamiy ayaasha KULMIYE hore ugu jeediyeen wasaaradiisa iyo xisbiga UDUB ee uu ka tirsan yahay. Laakiin, wareysigaasi waxa uu u bilaabmay sidan:

Haatuf: Waxa jira cabashooyin la idiin tirinayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin dad aad xidhxidheen ama shaqooyinkoodii ka erideen, maxaa ka jira?

Wasiirka Arriamaha Gudaha: Runtii, arrintaasi way soo noqnoqotay, waana wax aan sal iyo raadtoona lahayn, waxayna ka mid yihiin dacaayadaha had iyo goor ka soo baxa xisbiga KULMIYE oo ay guul-darro ka raacday tartankii doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, runtiina mana haboonna haddii tartan intaad gasho lagaa guulaysto, tiro kasta ha lagaaga helee in aad dadka xag-xagataa ceeb weeyi, laakiin annagu ma jirto wax nabadgelyo darro ah oo aanu wadnaa, xilligana (xalay fiidkii) waxaanu xafiiska u fadhinaa nabadgelyada ayaanu ilaalinaynaa. Ta kale, dhinaca xadhigga la sheegayo, wax allaala wax ka jiraa ma jiraan. Masalan, maalinbay xisbiga KULMIYE soo qorteen waraaq ay leeyihiin Mudaharaadyo ayaanu dhigaynaa, wayna bilaabeen oo xafiiskayga agtiisa ayay soo gaadheen, balse dadka mudaharaadka samaynayaa waxay ahaayeen dad fawdo ah oo wax rabshaya ee ma ahayn mudaharaad hagaagsan, mudaharaadkana wuxuu sharcigu u banaynayaa in ay cidda doonaysaa soo dalbato 48 saacadood ka hor, isla markaana waxay wasaaradu xaq u leedahay in ay ogolaato iyo in ay diido labadaba, sidaas darteed waanu u diidnay KULMIYE mudaharaadkaa, waanuse sababaynay oo waxaan ku idhi xaq baad u leedihiin mudaharaadka, laakiin iyadoo shalay doorashadii la kala helay oo uu dareenka dadku taagan yahay, suuro-gal maaha in mudaharaad la dhigo ilaa ay waxani kala degayaan, nabadgelyada darteed. Dadka ay KULMIYE soo abaabuleena waxay u badnaayeen dad dhallinyaro ah, waxaana ka mid ahaa carruur ay dhaleen nimanka kala ah; Oday (Axmed Xaashi) iyo Daa’uud oo ka tirsan xubnaha sare ee Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay carruurtoodu ka mid ahayd ku la qabqabtay ee dagaalamayay ee wax burburinayay, laakiin halkanay noogu yimaadeen oo waanu u sii daynay, dadkii kale ee la qabqabtayna sidaas ayuun baa loo sii daayay, KULMIYE-na ma aha inuu dadka isagu is xigsiiyo, waayo shacbiga waa loo siman yahay, shacbiguna waa kuwa codka aqlibayadda ah maanta na siiyay, mana aha annagoo 80 cod dheer inuu KULMIYE yidhaahdo, waanu isku dhowdhow nahay, ta kale 14 sanduuq oo aanu aqlabiyadooda leenahay ayaa la xayiray, taas oo si khaldan u dhacday, eedeedana aanu saarayno komishanka, iyadoo uu sharcigu dhigayo hal codna ha ahaatee cidii dheeraata cidii hesha ayaa guusha leh, laakiin KULMIYE guusha laga helay ayuu ku qanci la’yahay, waayo, hore ayay shacbiga iyo caalamka uga dhaadhiciyeen barabogaando ay leeyihiin annagaa guusha helnay, taas oo ay uga dan lahaayeen haddii ay dhacdo in hadhow laga helo in ay yidhaahdaan annagaa helnay waa nala boobay, sida ay haddaba ku andacoonayaan, taasina waa wax aad u foolxun, hogaamiyayaasha KULMIYE-na dadkii ay beenta u sheegeen ee dabaal-degayay ay qanci kari la’ yihiin, taasina waxay keentay in ay ku adkaystaan annagaa helnay ee tiraa naga khaldan. Waase nasiib-darro in ay dadka aqoonta leh ee siyaasiyiinta ah yidhaahdaan tiraa naga khaldantay, taasina macquul maaha. Hase yeeshee, runta marka la doonayo cidda nabadgelyo-darrada iyo dhibaatada wadaa waa xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo Siilaanyo, taas oo uu Axmed Siilaanyo marka su’aalaha la weydiinayo ku jawaabo: ‘annagu nabaddaanu ka shaqaynaynaa,’ laakiin isaga iyo ragga kaleba nabadgelyo-darro ayay intaa abaabulayaan, waxaana ugu dambeeyay shirkii jaraa’id ee uu shalay (Dorraad) Maxamed Kaahin qabtay, balse Maxamed Kaahin iyo cid la mid ahi toona halkan wax nabadgelyo-darro ah kama samayn karaan, xaashaa lilaah. Waayo, dadkani waxay u soo jeedaan sidii nabadgelyadooda wada-jir ugu ilaashan lahaayeen, annaguna habeen iyo maalin waxaanu u soo jeednaa ilaalinta nabadgelyada, nimankaasina waa niman mujaahidiin ah oo dalkan u soo halgamay oo xuquuqdooda kuma khaldamayno, waxase aad iyo aad nasiib-darro u ah in ay borobagaando iyo waxaan sal iyo raad lahayn had iyo goor ku andacoodaan oo ay dadkii taageerayaasha u ahaa ka dhaadhiciyaan waxaan jirin oo ay ka mid yihiin waynu helnay doorashada ee waa la inaga qaaday, waxyaabahaasina waa waxa xasaasiyadda iyo nabadgelyo-darrada keenaya, sidaa darteed waxaan ka codsanayaa in ay taageerayaashooda runta u sheegaan oo ay hambalyeeyaan mar haddii laga helay, meeshana waxa tartamayay niman lahaa annagaa gacanta ku haysana iyo xisbiga UDUB oo lahaa Illaahay baa haya, markaa waxa tartamay Illaahay iyo xisbiga KULMIYE, dabadeedna tii Illaahay bay noqotay oo cidii uu doonayay ayuu siiyay, waanuna is ognahay annaga iyo KULMIYE oo wixii ay faleen iyo sidii ay ololaha u qaadeen waxay ahayd wax aan haboonnayn oo nidaamka aad u khilaafsan. Ta ay leeyihiin dad baa shaqada laga eryay; ugu horeyn waxaan leeyahay Xisbiga KULMIYE, xaq uma laha in ay yidhaahdaan dadbaa la eryay, waayo, haddii ay yidhaahdaan saraakiil baa la eryay, waxay taasi caddaynaysaa in ay yihiin dad iyaga la shaqaynayay, balse anigu ma ogi dad la eryay, waxaanse maanta Jananka Booliska haysta weydiiyay dadkaa, wuxuuna ii sheegay inuu eryay dad aan xilal hayn, balse ahaa kaydka Saraakiisha, kuwaasina waxay ahaayeen niman shaqadoodii ka tegay oo u ololeeya xisbiyada siyaasadda KULMIYE iyo UDUB-ba. Ta kale, Sarkaalka Booliska ahi asxaabta ayuu u dhexeeyaa oo waa nin nabadgelyada ilaalinaya, balse codkiisa xor buu u yahay cidda uu siinayo. Marka uu Maxamed Kaahin leeyahay, niman u codeeyay KULMIYE ayaa la eryay, miyaanu Illaahay ka baqayn, sidee baanu ku ogaan karnaa warqadda xidhan ee sanduuqa lagu riday cidda loogu codeeyay, xaasha; taa ma ogaan karno, taasina waxay kuu caddaynaysaa waxa uu Maxamed Kaahin sheegay in aanay sal iyo raadtoona lahayn, laakiin waxa wax caddayn karaa waxa weeye marka aad aragto qofkii oo u ololaynaya xisbi asxaabta ka mid ah, markaa ragga eryay ee Jananku ii sheegay waan wada garanayaa oo waxay ahaayeen niman ku caan baxay xumaynta nabadgelyada, sidoo kale waxay ahaayeen xisbiga KULMIYE, iyadoo aad moodo inuu xisbiga KULMIYE xoog wax ku doonayo iyo in ay dalka gaar u leeyihiin oo aanay cid kale la lahayn, isla markaana ay yihiin kuwa keliya ee xaqa u leh in ay xukumaan, balse aniguna waxaan leeyahay ma aha sidaa, ninkasta oo reer Somaliland ahi xaq buu u leeyahay inuu xukumo, haddii ay tahay mid halgan soo galay iyo haddii ay tahay mid aan soo gelinba, kursigana waa loo tartamayaa sida sharcigu dhigayo, markaa reer KULMIYE waxaan leeyahay taasi ha idiin muuqato, kursigana reer malaha, markaa waxaan leeyahay Kulmiye iimaansada wixii aad hesheen oo ka daaya dadka abaabulka iyo borobagaandada nabadgelyo-darrada ah ee aad wadaan, dalkana wax kale oo dhibaato ahi kama jiraan ee dhibaatada keliya ee jirtaa waxa weeye qaar ka mid ah ragga hogaaminaya xisbiga KULMIYE ayaad moodaa xabadda mooyee in aanay wax kale ugu bixin, laakiin cid alaale cidii aanu aragno in ay nabadgelyo-darro wado waanu qabanaynaa, tallaabo sharci ahna waanu ka qaadaynaa, taasna cidna uga baqan mayno, cidna u joojin mayno.

S: Waxaad sheegtay inuu xisbiga KULMIYE yahay ka keliya ee nabaggelyo darada wada, markaa ma waxaad leedahay lexejeclo aan iyaga (Kulmiye) ka hayn baa anaga dalka naga haysa?

J: Waxaan u arkaa inay anaga lexjecladu aad noo sii hayso, waayo nabadgelyadii ayaanu leenahay waar nabadgelyada dhawra oo u kaadiya, laakiin masalan sidii uu Ina Kaahin oo kale joornaalka maanta uga hadlayey waxaad moodaa inuu isagu dalka iyo dadkaba leeyahay oo uu madaxa ku sito, waxaad moodaa inuu leeyahay hadii aan arimaha noocaas ah la yeelayn nabadgelya daro ayaa dhacaysa sidii uu isagu nabadgelyada gacantiisa ku hayo, laakiin sida aan aniga shakhsi muwaadin ah uga ahay ayuu isaguna uga yahay, markaa waxaad moodaa inay iyagu wadanka isa siiyeen oo ay ka xigaan dadka kale ama ay karaamo dheeraad ah dadka kale ee muwaadiniinta ah. Markaa ta ay leeyihiin ee isa siinayaana waxa weeye inay dalkan iyo dadkan leeyihiin oo ay cid walba ka xigaan, aniguna waxaan leeyahay kama xigtaan ee waynu u simanahay.

Ninka ay maanta wataan ee Siilaanyo waa kii ay shalay qaaxo ku eryanayeen ee ay jiif iyo joogba u diideen ee ay meel walba isu taageen, taasna waxaad ka garran kartaa inay waxan ujeeddo ka leeyihiin ee aanay doonayn inay Siilaanyo doortaan, aniguna waxaan aaminsanahay inay nimankaasi Siilaanyo jarka ka sii tuureen oo aanay wax ay ka dhimaan mooyee aanay jirin wax ay u tareen, sidaa darteed waxaan aaminsanahay inay Siilaanyo xisbiga ka ridanayeen, taasina maanta way u suurtagashay, waayo dee Siilaanyo maanta kursigii wuu waayey ee xisbigii uun baa hadhay, taasna waynu arki doonaaye waxay hadhaw isku qabsan doonaa xisbigaa oo ay odhan doonaan aniga ayaa gudoomiye ka ah iyo anigaa ka ah. Waxay yidhaahdaan madaxtooyada ayaanu u dhacaynaa, waxaanu dili doonaa madaxweynaha, waanu wada tooggan doonaa nin kasta meesha ka shaqeeya, jeelka ayaanu u wada taxaabi doonaa, ereyadaasina ma aha borobagaando ee mid aanu afkooda ka hayno, laakiin anagu midna ma tooganayno, midka ka mid ahna ma dilayno, waxna ma yeelayno, laakiin waxaanu ku ilaalinaynaa sharciga, kii sharciga ka baydhana waanu ku dabaalaynaa oo nin-na sharciga uguma aabo-yeelayno, nin-na ugama baqanayno, masalan gudoomiyahooda oo la yidhaahdo nabadgelyadiisa cidhiidhi baa la geliyey, xaasha taasi ma jirto ee boolis ilaaliya ayaanu siinay oo iminkaba way la joogaan, waayo waa nin musharax ah oo in nabadgelyadiisa la ilaaliyo xaq buu u leeyahay, laakiin jalaafo kasta oo ay wadaan waanu la soconaa, hadii ay tahay abaabulka ay ciidanka ka dhexwadaan iyo hadii ay tahay ta ay shacbiga iyo mujaahidiinta ka dhex-wadaan, markaa runtii ildheer baanu ku haynaa, waxayna ku kacayaan waxyaabo fara badan oo aan sharciga waafaqsanayn, waxyaalaha ay dadka ku abaabulaan waxa ka mid ah dhawaaqa ayeynu sugaynaa, dhawaaqaasina waxa uu noqonayaa mid xaq daro oo xaqeena laynaga qaadayo, markaa waxay doonayaan inay rabshado iyo qalaanqal sameeyaan.

S: Waxa jirtay cabasho ku saabsan sanaaduuqda doorashada oo idinka soo yeedhay, laakiin loo dhigay hab-beelleed, markaa maadaama xisbiiyo la yahay maxaa UDUB ahaan taa meesha u keenteen?

J: Runtii may ahayn beel qudha oo ka mid ah xaafadda Gacan-libaax ee waxay ahayd dadka deegaanka Gacan-libaax deggan oo dhan oo ka kooban ilaa saddex, afar beelood oo kala jaad ah, waxayna ka xumaadeen sanaaduuqdii ay codkooda ku gureen oo la yidhi waa la tirtiray, taasina mid sharciga waafaqsan maaha, arrintaana waxaa mas’uul ka ahaa komishanka, waayo; ninka komishanka wakiilka uga ahaa degmada ayaa sidaa sameeyay, waxaanuna u tirinaynaa inuu KULMIYE arrintaa ka dambeeyay, raad badanna waanu haynaa, waanuna ku daba jirnaa, Guddoomiye Ku-xigeenka komishankuna wuxuu caddeeyay inuu sanaaduuqdii la midka ahayd ee Burco uu tiriyay. Sanaaduuqda la tirtiray waxa loo tirinayay UDUB, KULMIYE-na wuxuu is lahaa sidaas ayaad ku guulaysanaysaa, balse Illaahay baa xukunka haya oo annaga ayay guushii na raacday.

S: Ayaamihii natiijada la sugayay, waxa lagu eedeeyay in aad hadiday Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, arrintaasi ma jirtaa?

J: Taasi waxay ka mid tahay borobagaandada uu KULMIYE meelahaa ka sheego, laakiin anigu qof weyn oo masuul ah oo waxgarad ah ayaan ahay, waxaanan ku fadhiyaa mid ka mid ah masuuliyadaha dalka ugu sareeya oo wasiirkii daakhiliga ayaan ahay, sidaas darteed marna may dhicin in aan guddiga doorashooyinka wax hadidaad iyo af xumo ah ku sameeyay, cagtayduna aad iyo aad ayay ugu yarayd, gudoomiyaha guddigana waad waydiin kartaan, haddii uu yidhaahdo waan qaadanayaa.
S: Haddii ay Maxkamadda Sare natiijada ugu dhawaaqdo inuu KULMIYE guulaystay, ma ku qancaysaan?

J: Horta Maxkamaddu, waxay eegaysaa wixii ay u soo gudbiyeen Komishanku, haddii ay jiraan tiriyoon isugeynta ka dhimmani waxa caddaynaya dhokumanteriyada rasmiga ah, Maxkamadduna taas oo kale way saxi kartaa. Masalan; waxa jirta in xisbaga KULMIYE sheegtay 133 cod oo Burco ah iyo 7 cod oo Gar-adag ah oo isugeynta ka dhimman, sidoo kale annagana Gudoomiyaha Ceerigaabo ee Komishanku wuxuu soo sheegay 142 cod oo KULMIYE laga jari lahaa aan laga goynin, taas oo ah mid xaqiiq ah oo uu Komishanka Qarankuna noo ogolaaday oo noo saxeexay. Laakiin, Maxkamaddu wixii ay soo saarto waanu ku kalsoonnahay, isla markaana tirada aanu helnay, balse meesha ma jirto xabad baan wax ku qabsanayaa iyo xoog baan wax ku qaadanayaa, taasna waxa wada hogaamiyayaasha KULMIYE, laakiin kama yeelayno, waayo dalka iyo dadkaba waanu ula siman nahay.

S: Saraakiishaa aad sheegtay in shaqada laga fadhiisiyay magacyadooda wax ma nooga sheegi kartaa?

J: Sida la ii sheegay waxa ka mid ahaa Cilmi Kabaal iyo nin Chief Caaqil ah oo Ina Aw Cali Shabeel la yidhaahdo iyo rag kale oo noocaas ah oo aan wax xil ah hayn, waxaanay ka koobnaayeen ilaa shan, lix qof oo asxaabta ku kala biiray, tallaabadaana waanu ku saxannahay oo waa mid sharciga waafaqsan.

S: Markii ololaha doorashadu socday waxa ololaha xisbiga UDUB ka qayb-qaatay niman Agaasimayaal iyo Wasiiro Maamulka ka tirsan ah, maxaa kuwaa looga qaadi waayay tallaabadan oo kale?

J: Annagu ma ogin Agaasimayaal olole qaaday, haddii ay jirto waxa ay ahayd in la soo sheego, waayo, Agaasimuhu shaqaalaha ayuu la mid yahay, laakiin Wasiiradu waa xubno siyaasiin ah oo xaq bay u leeyihiin in ay ka qaybqaataan ololaha xisbigooda, waayo aniga oo kale waxaan ahay xubin golaha dhexe ee UDUB ka tirsan, markaa xaq baan u leeyahay in aan xisbigayga u ololeeyo, weliba annagu maanu samayn sida ay KULMIYE sameeyeen, waayo, Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisu mar walba waxa ay dul taagnaayeen komishanka, balse annaga Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku marna ma dul iman komishanka, waxaan filayaa inuu hal mar oo qudha Madaxweyne Ku-xigeenku tegay xarunta Komishanka, isla markaana Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku xaq bay u lahaayeen in markasta oo ay soo fadhiistaan Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisu ay iyaguna soo fadhiistaan, laakiin taa way ka xishoodeen.

S: Maalintii loo ballansanaa in natiijada lagu dhawaaqo, waxa la sheegay in aad diideen in aad saxeexdaan, maxaad u saxeexi waydeen?

La soco su’aashan jawaabteeda iyo qayb kale.
 

Top


Shir Lagaga Hadlayo Soo Aayaha Ciraaq Oo Ka Furmay Baqdaad.

Baqdaad (W.Wararka) - Shir ay ku kulmeen ilaa 200 oo ka tirsan aqoonyahanada iyo indheer-garadka caanka ka ah Ciraaq oo lagaga wada-hadlayo mustaqbalka dalkaasi ayaa maalintii shalay ka furmay magaalo-madaxda Baqdaad.

Shirkan oo uu furay Jerry Garner oo ah Jeneraalka uu Maraykanku u magacaabay maamulka dalka Ciraaq waxa lagu baadhayaa sida uu noqon doono mustaqbalka dalka Ciraaq kadib markii la riday nidaamkii Sadaam Xuseen.

Shirka oo ammaankiisa aad loo adkeeyay waxa la filayaa in dadka ka qaybgalaya tiradoodu ay korodho oo ay gaadhaan ilaa 400 oo qof. Jerry Garner oo ka hadlayay furitaankii shirkaa waxa uu sheegay inay shirkan kasoo qaybgalayaan dhammaan kooxaha iyo qaybaha kala duwan ee dalka Ciraaq, maadaama lagaga wadahadlayo mustaqbalka dalka Ciraaq, balse waxa jira qaybo ka mid ah ururada iyo kooxaha dalka Ciraaq oo ka maqnaa shirkaa oo ay ka mid yihiin kooxaha kasoo jeeda dhinaca Shiicada oo sheegay inaan dadkii ku haboonaa aanay shirkaa uga qaybgelin.

Dhinaca kale, waxa magaalada Baqdaad ka dhacay mudaharaado ay ka qaybqaateen kumanaan qof, kaasoo lagu diidan yahay shirka uu Maraykanku ka qaban-qaabiyay magaalada Baqdaad. Waxa kaloo ay ku baaqayeen dadka mudaharaadka ka qaybgalay inay midoobaan dadka reer Ciraaq Sune iyo Shiicaba si ay u dhisaan mustaqbalka dalkooda.
Wararka ka imanaya magaalada Washington ayaa iyaguna sheegaya in Madaxweynaha dalka Maraykanku uu la kulmay Carabta ku nool dalka Maraykanka, isagoo kala hadlaya xaaladda dalka Ciraaq, waxaana lagu wadaa inuu ballan-qaado inuu Maraykanku dib u dhiso doono dalkaasi inta aanay ka bixin ciidamada Maraykanku dalkaasi, waxa kaloo la filayaa inuu ku dhiiriyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen mustaqbalka iyo dib-u-dhiska dalka Ciraaq. 

Top


Walaac Ka Dhashay Gubista Goobo Muhim Ah Oo Ciraaq Ah.

Tan iyo markii ay ciidamada uu Maraykanku hor-kacayaa rideen dawladdii Sadaam Xuseen qisada ugu weyn ee dadka reer Ciraaq wer-werka ku dhalisay waxa ay tahay gubista ay ciidamada Maraykanku gubeen xarumihii iyo goobihii muhiimka ahaa ee dalkaasi iyadoo aanay goob keliya oo muhiim ahi badbaadin marka laga reebo wasaaradda Saliidda iyo Batroolka oo aanay iyada wax dhibaato ahi gaadhin. Gubista iyo burburinta goobaha muhiimka ahi ee ku yaalay caasimadda dalka Ciraaq oo ahayd mid ula-kac ah waxa ay ahayd dhacdo murugo ku reebtay quluubta dadka reer Ciraaq, inkastoo dadka badankoodu ay qarsanayeen murugada ay arrintaasi ku dhalisay.

Falkan gubista ahi waxa uu dhaliyay cadho iyo murugo ku baahday dadka reer Ciraaq iyo dareen cadho iyo murugo leh, waxaanay dadku eeda saarayeen ciidamada Maraykanka oo ay ku eedaynayaan inaanay badbaadintii iyo ilaalintii loo baahnaa u samaynin goobahaasi, balse ay kuba dhiiriyeen dadka reer Ciraaq inay ku kacaan falal tuugo iyo bili-liqaysi ah, goobaha kale ee ay gubista iyo boobku sida ba’an u saameeyay waxa ka mid ah marka laga tago xarumihii xukuumadda, jaamacadaha, iskuulada, dhakhtarada, waxaa intaa sii dheer oo ah ta ugu daran bili-liqada loo geystay matxafkii (museum) oo ah xaruntii hiddaha iyo dhaqanka, ayna ku kaydsanaayeen macluumaad iyo kutub aad u farabadan oo jiray boqolaal sannadood.

Gubista loo geystay iyo bili-liqada ku dhacday matxafkaasi waxay murugo iyo wer-wer badan ku dhalisay khuburo badan oo ka tirsan Caalamka, iyadoo ay hay’ado badan oo caalami ahina cambaareeyeen, taasoo ay ku tilmaameen meel-ka-dhac weyn oo loo geystay kaydkii iyo qoraaladii u yaalay dalka Ciraaq.

Top


Masaajid Si Weyn Loogu Muransan Yahay Dalka Hindiya.

New Delhi (W.Wararka) - Maxkamad ku taala dalka Hindiya ayaa guda-gashay baadhitaanka warbixin laga soo ururiyay Masaajid ku yaala dalkaasi oo la yidhaa (Baabri) oo ay dumiyeen mintidiin Hinduus ahi sannadkii 1992-kii, masaajidkan oo ku yaala gobolka Otarbaradhesh oo dhaca dhinaca waqooyi ee dalkaas, waxay maxkamaddu baadhaysaa in goobta uu masaajidku ku yaalo ay markii hore ahayd Macbad ay leeyihiin Hinduusku sida ay ku doodayaan dadka Hinduuska ahi iyo inay iska ahayd goob bannaan sida ay ku doodayaan muslimiintu, taasoo murankeedu uu keenay inay rabshado iyo dagaalo dhexmaraan labada dhinac.

Warbixintan la hordhigay maxkamadda oo ay soo diyaariyeen dad khubaro ahi, waxaa la filayaa in marka ay dhegaystaan kadib ay maxkamaddu kasoo saarto go’aan kama-dambays ah. Maxkamadda ayaa hore u xukuntay in warbixin laga soo diyaariyo masaajidkaas, oo ay ka socotay hawl dib-u-dhis ahi kadib markii ay dumiyeen Hinduusku.

Goobta ay ka socotay Maxkamaddu ayaa waxa isku dayay inay jiidhaan kumanaan qof oo ah Hinduus kasoo horjeeday in masaajidka dib loo dhiso, iyagoo ku doodaya in goobtaa laga dhigo Mac-bad ay leeyihiin Hinduusku. Waxa la filayaa in arrintan ay maxkamaddu kala kulanto hawl adag, maadaama uu yahay muran muddo sannado ah soo taagnaa, waxaana labada dhinacba laga joojiyay inay ka dhisaan wax dhisme ah, balse taasi kamay horjoogsan inay Hinduusku macbad ku meel gaadh ah kasii dhistaan goobta laga dumiyay masaajidka oo ah mid Taariikhi ah dhinaca Islaamka.

Top


“Annagu Xisbigii Soo Baxaba Waanu La Shaqaynaynaa," Wareysi-Guddoomiyaha Ururka SIRAG.

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha ururka SIRAG (Somaliland International Recognition Group) C/fataax Siciid Axmed ayaa sheegay in ururkoodu uu wax weyn ka qabtay sidii uu Caalamka uga dhaadhicin lahaa Ictiraaf ay Somaliland ka hesho adduunka.

Ururkan oo u ololeeya Ictiraaf-raadinta Somaliland, xaruntiisuna ay tahay magaalada London, waxa kaloo uu guddoomiyuhu ka waramay hawlaha kala duwan ee ururkaasi hayo iyo waxa u qabsoomay muddadii ururkaasi jiray, isagoo maalintii shalay u waramayay weriye ka tirsan Haatuf, waraysigaas oo dhinacyo badan lahaana wuxuu u dhacay sidan:

S: Goorma ayaa ururka SIRAG la aas-aasay?

J: Waxa la aas-aasay 1995-kii, laakiin waxaanu xidhiidhkii ugu horreeyay ee dhinaca waraaqaha aanu samaynay 1996-kii.

S: ilaa iyo hadda maxaad qabateen muddadii ururku jiray?

J: Hawshayada ugu horaysay waxaanu ka bilownay xidhiidh aanu la samaynay wasaaradda A. Dibedda ee Ingiriiska 1996-kii, waxayna nagu yidhaahdeen ma garanayno wax Somaliland la yidhaahdo, maantana waxaanu maraynaa in mucaawimadii uu Somaliland siinayay Ingiriisku oo sannadkii ahaan jirtay 50,000 ama 100,000 inay gaadho milyan ama milyan iyo dheeraad, taasoo ka bilaabmi doonta 2004, waxa kaloo ka mid ah guulaha aanu gaadhnay anagoo haysana 27 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, halkii ay awel ka ahaan jireen mid ama laba, sidoo kale waxaanu haysanaa rag ka tirsan Baarlamaanka Yurub oo Ingiriis ah, dhawaana madax ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriisku ay soo jeediyeen in wax laga qabto cuna-qabataynta saaran xoolaheena.

Waxaanu qabanaa kuma koobna Ictiraaf raadin keliya ee waxa kaloo aanu raadinaa mashaariicda horumarinta, kuwaasoo aanu u sheegno Caalamka in aan Somaliland iyo Somaliya shuqul isku lahayn oo ay kala saaraan. Guushii ugu weynayd ee aanu gaadhnay waxay ahayd in 18-kii October 2002 lagu galo dalka Ingiriiska Baasaboor Somaliland ah, taasoo anaga guul noo ahayd, welina hawshayadu way socotaa.

S: Ururkiinu ma London oo qudha ayuu ka furan yahay?

J: Xarunta guud ee ururku waa London oo xafiiskayagu yahay, waxa kale oo aanu xidhiidh la leenahay jaaliyadaha Holland, Sweden, Jarmalka iyo meelo kale, anagoo sannadkii mar isku, bisha soo socotana waxaanu isugu imanaynaa dalka Holland, iyadoo shirkaa ay ka qaybgelayaan dhammaan jaaliyadaha reer Somaliland ee Yurubb.

S: Ma waxaad aaminsan tahay in wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland ka gaabisay xilkeedii?

J: Waxaan filayaa in dad badani ay taas aaminsan yihiin, mana aha wax iminka bilaabmay ee ilaa dawladdii Marxuum Cigaal waa wax soo jiray, inkastoo Madaxweyne Rayaale uu waqti yar xilka hayay, balse waxaan rajaynayaa in dawladdan dambe ee la dhisi doono marka ay maxkamadda sare ku dhawaaqdo natiijadii doorashada inay wax ka beddesho qaabkii ay wasaaradda Arrimaha Dibeddu u shaqayn jirtay oo dad aqoon iyo tayo u leh loo dhiibo wasaaradda Arrimaha Dibedda.

S: Jaaliyadihiinii Somaliland u ololayn jiray waxa la leeyahay waxaad la kala safateen xisbiyada, arrintaas maxaa ka jira?

J: Waxa jira rag madax-bannaan oo iskood ugu ololeeya arrinta Somaliland iyo ururo kale oo madax-bannaan, laakiin anagu xisbigii soo baxaba waanu la shaqaynaynaa markasta ee ay dadku doortaan, ha noqdo KULMIYE ama UDUB, shaqadayaduna waa sidii ay umadda Somaliland ay horumar iyo Ictiraaf u gaadhi lahayd.

Top


Dawladda Haboon (Qeybta 6aad), URURKA QIIMEYNTA WAXQABADKA DAWLADDA & HORUMARKA BULSHADA (Wax u qabo).

Badbaadinta iyo Horumarinta Maamulka & Dhaqaalaha.

Ka dib, markii dalka dib loogu soo noqday, dhaqdhaqaaqii SNM waxa uu beelaha dega Somaliland isugu yeedhey shir, si looga wada hadlo aayaha dadka iyo dalkaba. Waxa shirkaas 18 May 1991 lagu go’aansaday in lala soo noqdo gobanimadii la lumiyey 01/07/1960 lana dhiso dawlad loo dhan yahay. 1991 - 2003 waxa dalka lagu soo maamulayey nidaamyo ku yimid hab beeleed, kuwaasi oo soo maray marxalado kala duwan.

Ka gudbida nidaamkii hab beeleedku waxa uu qaatay muddo ka badan intii loogu talo galay, dawladihii ka abuurmayna may noqon kuwo u hano-qaaday sidii la filayey. Waxa marar kala duwan si aan sharciga waafaqsanayn loo kordhiyey muddadii ay xilka haynayeen xakuumadda iyo hay’addaha sharcigu (Guurtida & Wakiilada).

Baarlamaanka (Guurtida & Wakiilada): Sida ku cad qodobka 38aad ee dastuurka, Baarlamaanku waa waaxda dalka u qaabilsan dejinta iyo hirgelinta xeerarka, waxana uu xaqiijinayaa taabagalka cadaaladda.

Haddaba, waxa jira ugu yaraan 33 qodob oo dastuuri ah oo aan dhamays tirnayn laguna dhaafay xeer baa qeexi, halka qodobada dastuurka ah ee la jebiyeyna ka yihiin ugu yaraan 52 qodob. Waxa arrintan u sabab ah, Baarlamaanka oo aan noqon mid xilkii uu bulshada u hayey sidii laga rabay u fuliya, waxana uu horsed u noqday jebinta qodobada dastuurka dalka. Labada gole ee Guurtida iyo Wakiiladu waxa ay laba jeer si sharci darro ah u kordhisteen muddadii ay xilka haynayeen, taas oo lid ku ah qodobka 42aad iyo 58aad ee dastuurka, oo qeexaya muddada ay xilka haynayaan iyo xilliga doorashada ee labada gole (Wakiilada & Guurtida).

Waxa xaqiiqo ah in Baarlamaanku ku guuldareystay ilaalinta dastuurka iyo xeerarka dalka. Taasi waxa ay keentay in sharciyadii dalku noqdaan kuwo ay Xukuumaddu hadba sida ay doonto u adeegsato, danaheeda gaarka ahna ugu fushato.

Dastuurka: Dastuurka Somaliland waxa saldhig u ah mabaadi’da Islaamka, isaga ayaana ugu sareeya xeerarka dalka. Waxa reeban xeer kasta oo ka soo horjeeda ama aan waafaqsanayn, sida ku cad qodobka 128aad ee dastuurka.

Qodobada dastuuriga ah ee la jebiyo ee aan lagu dhaqmin iyo kuwa aan dhamaystirnayn ee xeerbaa qeexi lagu dhaafay, waxa ay saamaynta ugu weyn ku yeesheen dhaqaalaha dalka.

Dhaqaalaha: Qodobada dastuurka ee ku saabsan dhaqaalaha, waxa laga dhigay wax aan lagu dhaqmin iyo qaar aan dhamaystirnayn oo aan la dejin xeerarkii qeexi lahaa.

Qodobada aan lagu dhaqmin waxa ka mid ah:

a)Qodobka 11aad farqadihiisa 1 & 2aad
Qodobka 12aad farqadihiisa 1, 3 &6aad
Qodobka 13aad
Qodobka 54aad farqadihiisa 1, 3 & 4aad
Qodobka 55aad farqadihiisa 3, 6 & 7aad
Qodobka 85aad
Qodobada aan dhamays-tirneyn ee lagu dhaafay xeer baa qeexi waxa ka mid ah:
Qodobka 11aad farqadiisa 3aad
Qodobka 12aad farqadihiisa 2,4,5 & 7
Qodobka 13aad (Baanka)
Qodobka 14aad farqadihiisa 1 & 2aad
Qodobka 47aad
Qodobka 54aad farqadiisa 2aad
Qodobka 55aad farqadihiisa 4 & 5aad
Qodobka 65aad
Qodobka 87aad
Qodobka 121aad

Haddaba si looga baxo dhibaatooyinka laga dhaxlay marxaladihii hore ee beelaha ku salaysnaa, waxa lagama maarmaan ah in la helo isbedel dhakhso ah oo horseeda horumar dhinac kasta ah oo loo aayo.

Si loo helo isbedlkaas, waxa aanu soo jeedineynaa in:

1- Dastuurka iyo sharciyada dalka la dhamays tiro, laguna dhaqmo

2- Wasaaraddaha & Hay’addaha la soo koobo, iyada oo lagu salaynayo baahida dalka. Waxa aanu u aragnaa in loo baahan yahay 14 wasaaraddood & 6 Hay’addood.

3- Shaqaalaha iyo ciidamada la siiyo xuquuq iyo mushahar ay ku noolaan karaan, tayadoodana kor loo qaado

4- La kobciyo dhaqaalaha & waxsoosaarka dalka, lana shaqeeyo labada gelinba.

5- Dib u dhis lagu sameeyo adeegyada bulshada sida; waxbarashada iyo caafimaadka, korna loo qaado tayadooda

6- La abuuro goobo shaqo

7- La dayac tiro ceelasha biyaha, kuwo cusubna laga qodo meelaha ku haboon, taasi oo wax ka qabanaysa baahida biyaha.

8- Laga faa’iideysto biyaha roobabka, kuwaasi oo 75-80% ku darsama badda, biyo xidheenona laga sameeyo meelaha ku habboona, taasi oo looga faa’iideysan karo waraabka xoolaha iyo beerida khudrada

9- Labada sanno ee soo socota dalka laga hirgeliyo mashaariic horumarineed oo ay ku baxayso 17 - 18 milyan oo doolar
Sida ay ku suura gelayaan qodobadan kor ku xusan, waxa ay ku faahfaahsan yihiin barnaamijka ururka “WAX U QABO”, qeybaha 1-5aad.

Top


Garta dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida.

Marka ninka muduciga ah laga dhamaysto wixii su’aalo ah ee la waydiinayo waxa isna su’aalo la waydiiyaa ninka madaacalayga ah, waxa labada dhinac ee gartu ka dhexayso la waydiiyaa inay ku kalsoonyihiin guddiga dhexda ah ee garta qaadaya, markaa hadii ay labada dhinac midkood farta ku fiiqdo cid aanay ku kalsoonayn ama ay labada dhinacba iyaga oo isku dhan yidhaahdaan cidaas ayaanaan ku kalsoonayn waa laga saaraa guddiga, laakiin labada dhinacba waxay guddidu ku dhaarinaysaa inay qaadanayaan ama aanay ka hadlayn wixii ay guddi ahaan soo gartaan ama soo go’aamiyaan, iyadoo ay guddigu odhanayaan “Inaad wixii aanu soo garano yeelaysaan dhaar na maqashiiya”, ka dibna marka dhaartaa laga shubo, iyadoo loo macal qabanayo, taas oo laga qaadayo saddex walle bille oo la odhanayo “Ma wallaahay baa, ma billaahay baa, ma tollaahay baa”, sidoo kale markhaatigana waa la dhaarinayaa, iyadoo la waydiinayo ama lagu dhaarinayo inaanu arinta la waydiiyo run mooyee, been ka sheegayn.

Ninka markhaatiga ah marka markhaatiga la waydiinayo waxa lagu yidhaahdaa “Waxaas ama arintaas inaanad dooc iyo dareen midna ka ahayn ma kugu wallaahay baa, ma kugu tollaahay baa, ma kugu wallaahay baa”.

Kelmada Dooc waxa weeye Maqal, taas oo ah inaanad maqal waxaas, sidoo kale kelmadda Dareen waxa weeye Arag, taas oo ah inaad waxaa aragtay ama aanad arag.

Dabadeedna ragga guddiga ah ee loo saantay inay arintaa ka garqaadaan marka ay dacwadda labada dhinac dhegaystaan ayey guddidu keligood gooni isula baxaan, waxayna ugu horayn iswaydiiyaan ninka muduciga ah (Dhibanaha) wixii uu ku hadlay , taas oo ilayn waa carrab eegato’e keliya la eegayo wixii uu afkiisa kaga hadlay iyo wixii uu markhaati u furay , iyadoo la odhanayo “Maxaa u naf ah”, sidoo kale waxa la odhanayaa muxuu madaacalaygu qoddobkaa ka yidhi ama iskaga difaacay iyo muxuu caddayn u helay.

Calaakuli-xaal marka ay guddidu qoddob kasta oo lagu garnaqsaday isla feeniyaan (Ka baaraandegaan) ayey halkaa uga soo baxaysaa cidda gar heshay, iyadoo ay guddidu wixii ka xidhma waydiinayaan ciddii ay aqoon biddaaan, taas oo hadii ay waxa ka xidhmay yihiin arin shareeco ay wax ka waydiinayaan cidda aqoonta u leh, sidoo kale hadii ay wax ka xidhmay yihiin arinta xeer-beegti waxay waydiinayaan garyaqaanada xeer-beegtida. Laakiin hadii ay guddida lafteedu arin isku qabtaan oo ay qaar yidhaahdaan sidaas ayeynu ka dhigaynaa, qaar kalena yidhaahdaan sidaas ayeynu ka dhigaynaa iyaga oo aan cidna ogaysiin ayey qabsanayaan guddi kale oo iyaga laftood kala saarta, waxayna raggaa ay qabsadeen ku odhanayaan “Waar nimanyahaw guddi baanu ahayn, markii aanu labadii nin isu dhegaysanay nin sidaas ayuu ku dacwiyey, caddayn iyo markhaatina waxaas ayuu helay, ninka kalena sidaas ayuu ku dacwiyey caddayna waxaas ayuu keensaday golaha, dabadeedna markii aanu arintii feeninay waxaanu isku qabanay go’aankii garta, taas oo ay ragga qaar yidhaahdaan sidaas ayey noqonaysaa, qaarna sidaas ayey yidhaahdeen”, ka dibna guddidii ay isula yimaadeen way kala saaraysaa oo waxay odhanayaan sidaas iyo sidaa yeel ama taa sidaa ka dhiga, taana sidaa ka dhiga. Dabadeedna guddidii marka lagu kala saaro qoddobadii ay isku hayeen ayey go’aankoodii kama dambaysta ahaa isla qaadanayaan, ka dibna golihii garta ayey ku soo noqonayaan, waxayna isugu yeedhayaan dhinacyadii garamayey iyo xidhayaashoodiiba, dabadeedna ninka ugu gudbinta wanaagsan (Aftahansan) ayaa u baxaya sheegista go’aanka, laakiin marka go’aanka garta la yeedhinayo mar labaad ayaa labadii dhinac hadana la waydiinayaa kalsooni, ka dibna ninkii y guddigu u saanyadeen inuu garta yeedhiyo ayaa hadalka u baxaya, wuxuuna ku bilaabayaa “Xigaalow waataad na dirteen, waxaadna tihiin midigtayadii iyo bidixdayadii, waxba idinlama kala jeclin, ilaahow aqoona ha nagu cadaabin eexana, hanagaga tegin, hebelow adigaa muduci ahaa sidaa iyo sidaa ayaad u hadashay, intaas ayaanu naf kaaga soo qaadnay, waxaas iyo waxaasna waad ku dacwiday, qoddobkaa iyo qoddobkaa ayaad caddayn u heshay, intaas iyo intaasna caddayn ayaad u wayday, intaas iyo intaasna waa lagugula dacwiyey, qoddobkaa iyo qoddobkaa ayaa markhaati loo helay, qoddobkaa iyo qoddobkaana caddayn baa loo waayey, sidaa awgeed markii aanu feeninay sidaas iyo sidaas ayaanu u aragnay, dabadeedna waxa kugu cadaaday ama lagugu helay waxaas iyo waxaas, waxa lagugu waayey waxaas iyo waxaas ama waxaas iyo waxaas ayaad heshay ama waxaas iyo waxaas ayaad ku gar-wayday”.

Ka dibna guddigu marka ay sidaa yidhaahdaan ee ay go’aankooda yeedhiyaan, hadalkuna xagooda ka soo dhamaado waxa hadalka u baxaya dhinacyadii loo gar-qaadayey, kuwaas oo hadii ay ku qancaaan odhanaya “Ku xaq iyo dembiba li’idin, waanuna qaadanay gartaa”. Laakiin hadii ay labadii dhinac midkood u qudhqudhsami waydo gartii lagu dhawaaqay ama ay labada dhinacba u qudhqudhsami waydo waxay guddigii ugu hal celinayaan oo ku odhanayaan “Wax ceeb ah maydin dhimmin (Samayn), waana qaatay gartaa, laakiin ambiil baan ka leeyahay”.

Laakiin ambiilka qaadanayaa waa nin og in laga eexday iyo sida loogu jiifsaday, waxaase jirta xeer-beegti kale oo ka dambaysa guddida garta qaadaysa, kuwaas oo dib u eegaya sidii garta loo qaaday iyo wixii laga xukumay, ka dibna dib u shaandhaynaya ama u feeninaya sida uu ninka ambiilka qaatay u gar-waayey, iyaga oo eegaya markhaatiga wax furay iyo markhaatiga jabay ee aan wixii uu furay wax ka soo qaadka lahayn iyo qoddobka uu u afwaayey (Sidii ay ahayd aanu u iftiimin) IWM...

La soco.

Top


Jilbo-dhiig.

Biixi iyo wiilkii la socday ee ay ilma-adeerka ahaayeen markii ay isa soo dultaageen odaygii Biixi aabihii ee Mooge oo bur oo caws ah ku fadhiya, laakiin Mooge markii ay ku soo dhowaayeen ayuu iswaydiiyey “Waar kan Raage la socda ee Biixi u egi muxuu ahaa”, balse wuxuu hoos u yidhi Biixi ma xabaal buu ka soo baxayaa, hase yeeshee Biixi markii uu odaygii aabihii isa soo dultaagay ayuu hoos ugu foorarsaday oo madaxa ka dhunkaday oo ku yidhi “Aabe waa wiilkaagii Biixi ee iska warran aabe gacaliye”, dabadeedna odaygii Mooge ayaa yaabay oo is yidhi tolow miyaad riyoonaysaa, mise waa run, laakiin markii uu odaygii Mooge xaqiiqsaday inuu yahay wiilkiisii Biixi ayuu ku yidhi “Aabe inkasta oo aan markii hore is idhi malaa waad riyoonaysaa, hadda waan xaqiiqsaday inaad Biixi tahay , balse mar hore ayaan axankaagii iyo agaskaagiiba dhigay oo laygu yidhi wuu dhintaye, maxaa qaldan”, ka dibna Biixi waxa uu ugu jawaabay “Aabe been baa laguu sheegay, ciddii beenta kuu sheegtayna waa lay sheegay, waana cid aniga iyo idinkaba dembi idinka gashay”, intaa markii ay isdhaafsadeen ayuu inankii kale ee Biixi la socday ka tegay oo xagii gurigooda u dhaqaaqay, ka dibna Biixi iyo aabihii ayaa isku soo hadhay, oo halkii cabaar isku waraystay, laakiin islaantii Biixi hooyadii oo iyana guriga duleedkiisa marmaraysa, dabadeedna waxay hoosta ka leedahay “Tolow muxuu ahaa inankan reer magaalka ah ee odaygii la fadhiyaa”, laakiin Biixi ayaa u soo dhaqaaqay xagii islaanta hooyadii, dabadeedna markii uu waxoogaa yar u soo jiray ayey islaantii ku dhaygagtay, iyadoo hoosta ka leh “Naa kan Biixi u eg ee aan la garanini muxuu ahaa”, ka dibna Biixi markii uu soo gaadhay islaantii ayuu ku yidhi hooyo bal warran oo uu madaxa ka dhunkaday, wuxuuna ku yidhi “Hooyo hadii laydinku yidhi Biixi wuu dhinay waa been ee waykan ee ii warran hooyo gacaliso”, islaantii way yaabtay , wayna qaadan-wayday, ka dibna ilmo ayaa ka soo yaacday, waxayna isu raaceen xagii gurigii.

Habeenkii ayey Biixi iyo labadiisii waalid aad u sheekaysteen oo uu uga waramay xaaladiisa oo dhan iyo dhibaatooyinkii adkaa ee uu soo maray, waxayse labadiisii markii uu aad u calaacalay ku yidhaahdeen “Anagu mar hadii aanu nolol kugu helay oo aad caawa nala joogto ma jiraan wax naga maqani, waana xamdi ilaahay.”

Aroortii markii uu waagu beryey ayuu odaygii Mooge islaantiisii ku yidhi “Mar hadii uu ilaahay nolol iyo nabad-qab inagu tusay wiilkeenii Biixi ee aynu axankiisa dhignay waxa inagu waajib ah inaynu allabari dhigno markaa adhiga laba neef ka soo qabo”, ka dibna islaantii hadal kama soo celine waxay soo qabatay labadii neef ee adhiga ay haystaan ugu macaanshiiyo roonaa (Lax iyo Ri’), kuwaas oo markii uu adhigu dareeray la gawracay, wuxuuna odaygii Mooge u yeedhay rag door ah oo ka mid ah beesha ay meesha wada yaaliin oo reerahooda u badan, dabadeedna halkaas ayey raggii degmadu maalintaa ku cuneen hilibkii allabariga ahaa, iyadoo ay raggii tolka ahaa ee meesha isugu yimi maalintii oo dhan ka sheekaysanayeen Biixi iyo qisadiisa, waxaana hadaladooda ka mid ahaa “Aduunyo ma ninkii Biixi ee aynu axankiisa cunay ayeynu maanta isaga oo nool allabarigiisii cunaynaa.”

Biixi muddo ilaa sannad gaadhaysa ayaanu miyigii ka soo noqon oo aanu reerkooda dhinacna u dhaafin, laakiin maalintii dambe ayuu ku yidhi aabihii iyo hooyadii “Aabe iyo hooyo waxaan yara gaadhayaa Hargeysa”. Laakiin odayga iyo islaantu sas ayey ka qabaan magaalo iyo camalkeed oo waxay is leeyihiin armuu idinku soo noqon-waayaa oo mar kale geeridiisa laydiin soo sheega, dabadeedna waxay ku yidhaahdeen “Anagu kulama jeclin magaalo ee waxaanu jecelahay inaad halkaa nala joogto oo aanu naag kuu guurino oo aad barbarkayaga degto, adigaase danahaaga oge waa maxay danta aad ka leedahay”, ka dibna waxa uu ku yidhi “Aabe iyo hooyo mar dambe idinka fogaan maayo, laakiin waxaan doonayaa inaan magaalooyinkaygaa ka shaqaysto, sidaa darteed Hargeysa waxaan is leeyahay bal aad shaqo ka soo eeg-eegatid, markaa labadaydii waalidow I fasaxa iina soo duceeya, waan soo noqonayaaye”, dabadeedna way fasaxeen, wayna u duceeyeen, wuxuuna tegay Hargeysa, ka dibna markii Hargeysa yimi waxa uu la degay wiil ay hore isu yiqiineen oo markii uu Xamar joogay ay mar guri wada geli jireen, wiilkaas ayaana Biixi magaalada ku hayn jiray intii uu joogay, laakiin Biixi Hargeysa wuxuu kala kulmay shaqo la’aan, isla markaana waa dal uu muddo dheer ka maqnaaye wuu la qabsan waayey xarakaadkii nolosha, ka dibna waxa uu magaaladii ka dareemay qariibnimo badan, ileyn waxa uu u soo noqday duni isbedeshay oo aan ahayn tii uu ogaaba. Ka dibna markii uu muddo bil ah joogay ee uu wax camal ah ka waayey, isla markaana uu la qabsan-waayey xaaladeedii nololeed ayuu miyigii reerkooda iskaga noqday.

Biixi sidii loo soo masaafuriyey wax xidhiidh ah lama samayn Saynab, sidoo kale Saynab-na wax xidhiidh ah lama ay soo samayn Biixi, sidaa darteed waxay noqdeen dad kala calool go’ay oo aanay caqiibo dambe isugu hadhin, laakiin weli waraaqdeedii muu siin. Hase yeeshee Saynab waraaq iyo furiin toona uma ay muctaadin ee hawlaheeda ayey iska wadatay, waxayna ka mid noqotay kooxaha balwadaha iyo mukhaadaraadka waalifay, sidaa darteedna waxay furatay guri ay isugu yimaadaan dadka u balwadaha iyo mukhaadaraadka laasimay, sida qaadka, khamriga, xashiishadda IWM. Sidoo kale Saynab intii aanay ku biirin kooxaha mukhaadaraadka waxay markii hore muddo sannad badhkii ah ka ciyaari jirtay kalaabada habeenkii laga sawaxmo ama laga tunto. Iminkase kooxaha ay ka midka noqotay waa kooxo uu mid waliba ka debedda ka joogo miyirqabka nolosha, waa kooxo maafiyo ah oo keliya ka shaqeeya cunista iyo ka baayacmushtaraynta mukhaadaraadka, isla markaana kooxaha ay Saynab ka mid noqotay dhinaca kalena waa rabshawalayaal faraha lagaga gubtay ee ay 24-ka saac is eryanayaan iyaga iyo booliska London.

Biixi mar labaadkii markii uu muddo sannad iyo dheeraad ah miyigii joogay ayuu hadana ku soo noqday Hargeysa, ka dibna markii uu muddo dhawr bilood ah joogay ayuu maalintii dambe shaqo yar ka helay shirkad telefoonada ah, dabadeedna markii halkaa ka shaqaynayey muddo dhawr bilood ah ayuu aad uga werweray wiilkiisii yaraa, isaga oo ilaa intii uu ka soo maqnaa niyadda ku hayey wiilkiisa yar, isna waydiin jiray waxa uu aayihiisu ku dambayn doono, isla markaana dad Ingiriiska ka yimi ayaa uga warramay Saynab iyo xaaladeeda nololeed, una sheegay inay ku biirtay kooxaha maafiyada ah ee mukhaadaraadka cunistiisa iyo iibintiisa ka shaqaysa. Ka dibna gabadh Ingiriiska ka timi ayaa Biixi u sheegtay telefoonka guriga ay degan tahay, sidaa darteed maalintii dambe ayuu maalin khamiis ah telefoonkii qabsaday, laakiin kooxda Saynab waxa caado u ah inay maalmaha khamiisaha ah nastaan, iyaga oo u fadhiista balwadaha, sidaa awgeed maalinta uu Biixi telefoonka diray Saynab waxa maalintaa gurigeeda oo ah marfeshka mukhaadaraadka fadhiyey kooxo rag iyo dumarba leh oo xashiishad, qaad, khamri iyo wax kale qofka hobbigiisa afka darray, waxaase Biixi telefoonkii ka qabtay Saynab oo cir-ciraad maraysa, iyadoo uu waqtigu xagga London ahaa goor galab ah. Laakiin Saynab markii ay Helow tidhi ee ay garatay inuu Biixi yahay ayey gabadh kale oo Somaliyad ah oo dhinaceeda fadhiday u dhiibtay telefoonkii, gabadhii ayaa telefoonkii qabatay oo tidhi “Naa muxuu ahaa qofka aad ii dhiibtay”, ka dibna Saynab ayaa tidhi “Naa waa mid bayhoof ah oo aanu beri is naqaanay ee cabaar waal”, laakiin Biixi wuu maqlayaa hadalka meesha ka dhacaya ileyn labada gabdhood dhinaca ayey isku hayaane. Ka dibna gabadhii telefoonka loo dhiibay waxay Biixi ku bilowday ciyaar iyo saaxiib maxaad doonaysaa.”

Biixi gabadhii ku cayaaraysay ee ay Saynab afka u gelisay hadal kale uma celinayn ee keliya waxa uu ku lahaa “Walaal hal mar ii dhiin Saynab”, laakiin suurta gal may noqon inay u dhiibto, ka dibna markii uu muddo nusa-saace ka badan telefoonka dhegta ku hayey ayey naagtii markii dambe telefoonkii ku dhigtay.

Hase yeeshee Biixi wiilkiisii yaraa markiiba intii uu xabsiga ku jiray ayuu suuqa iska galay, wuxuuna noqday xabbagle, laakiin dhawr bilood ka dib maalintii uu Saynab telefoonka u diray gabadh Ingiriiska ka timi oo taqaanay Saynab ayuu la kulmay, waxayna u sheegtay inuu wiilkiisii yaraa dhintay oo uu gaadhi jiidhay isaga oo neel gidaar ah xabbag ku cabaya, balse Biixi geerida wiilkiisa yar ee loo sheegay aad uguma nixin, waayo waxay ahayd wax uu awelba filayey oo wuu iska garanayey in mar hadii uu ka tegay oo barbaarintiisa iyo noloshiisa gacanta ku hayn, sidaa darteedna markii geeridiisa loo soo sheegay kuma ay noqon wax cusub oo markiiba samir iyo iimaan ayuu ka qaatay.

La soco.

Top


Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga.

Mengistu: Masuuliyad darada intaa le’eg ee ay ku kaceen nimankaa saraakiisha ahi waxay sababeen in halgankii waxaas oo dhibaato ah loo soo maray ee rajada wanaagsan lahaa uu macno beelo, isla markaana maamul-xumadii meesha ka dhacday ee soo waajahday ciidamada in dagaaladii sida wanaagsan u socday ay gaabis noqdaan, oo uu ciidankii itaal-dareeyo, guushiina uu cadawgu qaato. Weliba waxa la odhan karaa iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo ay cadawgu na gaadhsiiyeen ayey ciidankayagu is dhiibeen, sidaa darteed maadaama ay sida nalooga guulaystay ahayd maamul-xumada caynkaas ah ciidamadu way ka xanaaqeen guusha cadawgu ka gaadhay, waayo maamul-xumo awgeed iyadoo ay ciidamayadu awood u lahaayeen inay ciidamada cadawga laayaan oo iska celiyaan ayey dad badani u dhimanayeen si macno daro ah, sidoo kale ciidankayagu iyaga oo awood u leh inay qabqabtaan ciidanka cadawga ee soo weeraray ayaa iyagii la qabqabtay oo hub aad u tiro badani gacanta cadawga galay, waxayna ahayd markii ugu horaysay ee uu dhaco qaladka caynkaas oo kale ahi, waayo marka laga yimaado ciidamada Somalida ee na soo weeraray, dhinaca jabhadaha laftooda guul aanay heli kareen ayey heleen, laakiin ciidankayaga cidina kama ay tiro badnayn, sidoo kale nooca iyo tirada ciddina nagama ay badnayn ama nagama ay wanaagsanayn, isla markaana ciddina geesinimo nama ay dheerayn, waxaase dhacday maamul-xumo ay geysteen nimankaa ciidanka khalkhaliyey ee kacaanka iyo midnimada dalka ka soo horjeeday. Nimankaasna keliya waxaanu ku kala duwanayn iyagu waxay rabeen inuu dalku kala googo’ iyo danahooda gaarka ah, anaguna waxaanu rabnay inaanu ka shaqayno danta guud ee qaranka iyo inaanu ilaalino midnimada dalka, sidaa darteedna inta aanu masuuliyadda dadkayaga tirada badan dusha ku qaadanay ayaanu sidaa hogaanka ku haynay muddo 17 sannadood ah. Markaa halgamaadkii ay nimankaasi ku jireen maxay ula jeedeen, isla markaana qaladka ay galeen waxa ku dhimatay askar tiro badan, markaa askarta dhimashadoodu macno kuma fadhido miyaa, mise askariga dhimashadiisu qiimo ma leh miyaa.

Gannat: Ujeedadu ma aha inaanay askarta naftoodu macno ku fadhiyin, laakiin waxa la leeyahay guuldarada ciidanku waxay ka dhalatay dilalkii qaladka ahaa ee ciidanka dhexdiisa laga sameeyey, taasina ay keentay niyad-jab ciidanka ku dhacay oo guuldaro badday, masalan waxa hawlagalada ka muuqday dhayalsi badan. Tusaale ahaan sidii aad markii dhowayd sheegtay oo kale waxa jiray niman namiimiyaal ah (Diradiraalayaal) oo ciidamada ku dhexjiray, sida IHABA-da oo kale, markaa ololaha meesha ka socday ha noqdo mid ay nimanka IHABA-du wadeen ama ha noqdo mid ay cid kale wadday waa jirtay oo waxay ahayd wax la wada arkayey inay ciidamo ka baxsanayeen goobaha dagaalka , sidoo kale waa wax iska dhici kara in la arko qof aan ka soo bixin waajibkii loo dhiibay ama kaalintiisa, ka dibna inta uu hawshii loo xilsaaray baylihiyo iskaga taga, laakiin taas oo kale waa mid ka muuqan karta ama ka dhici karta goob kasta oo ay dagaalo ka socdaan, balse arinta dhacday waxay ahayd in qaybo ka mid ah ciidanka Itoobiya ayaa lagu yidhi waxaad raacsan tihiin IHABA-da, ka dibna la iska laayey, qaar kalena inta lagu yidhi xilkii la idiin dhiibay kama aydaan soo bixin ayaa ciidanka hortooda lagu toogtay, waxaana la leeyahay nimankii kaadiriyiinta ahaa (Kacaanyahanada) iyo nimanka saraakiisha nabad-sugidda ah warka ay soo dhiibaan ama soo gudbiyaan keliya ayey Mengistu iyo kornayladiisu waxay ku geysan jireen xasuuqyo aan loo baahnayn, taasina waxay waxyeelo weyn u geysatay mooralka iyo niyadda ciidamada, taas ayaana keentay baa la yidhi guuldarada, masalan saraakiisha la xasuuqay ragga mar walba magaciisa la xuso waxa ka mid ahaa hogaamiyihii guutada Naadaw janaraal Taariku Layna, markaa waxaan ku waydiinayaa waa maxay sababta janaraalkaa loo dilay?

La soco.

Top


Maqaal, Nadiira Maxamed Odawaa.

Aniga oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxaana doonayaa inaan halkan kaga jawaabo maqaal ku soo baxay wargeyska Haatuf bogiisa fariinta akhristaha ee cadadkiisii shalay, maqaalkaas oo uu qoray nin magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamuud Cali waxa uu cinwaankiisu ahaa “Arintu yaanay noqon qabso ku qaddi-mayside”, isla markaana waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay xisbiga KULMIYE waxaan u arkaa inuu yahay xisbi xaqiiqda ka fog, laakiin waxaan leeyahay hadii uu KULMIYE xaqiiqda ka fog yahay tolow markaa xaqiiqda u dhow, jawaabtu waxay noqonaysaa hadii uu KULMIYE xaqiiqda ka fog yahay markaa ma jirto cid xaqiiqda u dhowi. Hase yeeshee waxa kale oo meesha taal hadii uu qof waliba caqligiisa hadlo oo uu yidhaahdo anigu afkay banaan baan hadlayaa, oo aan waxba la iska shaandhayn maxay noqonaysaa.

Ninka maqaalka qoray waxa kale oo uu yidhi xisbiga KULMIYE marba shaadh buu soo gashadaa, laakiin waxay iswaydiintu tahay xisbiga KULMIYE xagee iyo meelma ayuu ku gashaday shaadhadhka kala duwan ee oo ninka maqaalka qoray sheegayo, waxaanse leeyahay horta KULMIYE shaadhkiisu waa mid qudha oo ah xisbi siyaasi ah, isla markaana markaana mabaadi’idiisu way cadahay.

Su’aasha kale ee uu qoraagu iswaydiiyey waxay tahay “Xisbiga KULMIYE ma xaq buu wax ku doonayaa, mise xoog”, laakiin waxaan ninka maqaalka qoray odhan lahaa xisbiga KULMIYE hadii uu xoog wax ku doonayo xaqiisa la dhacay, lama dhaceen, tartan iyo doorashona ma galeen, sidaa darteed duco qabe hadii aad tahay nin garanaya waxaan ku leeyahay KULMIYE xaalsii ma geyo ereyada aad maqaalkaaga ku qortaye, aniga oo ku leh KULMIYE waa xisbiga wadanka ugu sharafta iyo kalsoonida badan, isla markaana ereyo uu qof yidhi kama qaadi karaan sharafta iyo kalsoonida uu xisbiga KULMIYE ku leeyahay wadanka, waxaanse ku xusuusinayaa in KULMIYE uu xisbi la mid ahi u adeegsaday awooddii dawladnimo iyo shaadhkii qaranka ee ummadda ka dhexeeyey.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Si xun wax u sheeg sixir ka darran”, markaa iminka halka aad KULMIYE ku tilmaantay si xun wax u sheeg anigu waxaan ku leeyahay adiga ayaa si xun wax u sheeg ah, waayo xisbiga KULMIYE ma jirto meel iyo cid uu si xun wax ugu sheegay, kumana dhaqmin wax ka baxsan sharciga iyo nidaamka doorashooyinka, isla markaana waxa uu mar walba la taagan yahay xushmaynta dadkiisa iyo dalkiisa.

Gabadh baa beri ilmo dhashay, ka dibna gabadh kale ayaa ilmihii qabsatay, dabadeedna waxay isla tageen maxkamad, laakiin garsoorihii ay isula tageen ayaa markii uu kala saarikari-waayey, ku yidhi “Waxaad soo qaadaan mindi waan idiin kala jarayaaye, ka dibna tii aan dhalin ayaa tidhi “Noo kala jar”, tii dhashayna waxay tidhi “Hanoo kala jarine iyada sii”, iyadoo doonaysa inuu ilmuhu noolaado oo lexejeclo ka hayso. Markaa KULMIYE wuxuu leeyahay haynoo kala jarine ee cidda xaqa u leh sii, wuxuuna doonayaa xaqiisa, laakiin sida aad adigu u dhigtay ee aad tidhi “ku qabso ku qaddimayside” ma aha aragtida iyo mabaadi’ida KULMIYE, dadka iyo dalkana ma jirto cid uga lexejeclo badani.

Nadiira Maxamed Odawaa, Hargeysa.

Top


Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysagaysataan mawjadaha kaftan maalka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq-yuubka. Akhyaartayada indhaha soog-sooganow, waxaynu soo gaadhnay cogidii aan idiinku yaacyaacin jiray warkii dunida, waxaana maanta idinku gadh-qaban doona weriye Mr. Najiido-nuug.

Warkii oo la nab-nabay.

Guddida Jawaanada Qaranka, ayaa isa soo dhaafiyay najiidadii ay ka umuliyeen doorashadii dhawaan Shankaroontu kaga shanqadhisay, kadib markii kulaylkii iyo karkii najiidad ay hayn kari waayeen ee ay fara iyo faruuryahaba kaga gubteen ayay subax dhawayd isu dhaafiyeen xagaas iyo maxkamadda kore, taas oo jawaanadu ku yidhaahdeen, “Xumadeeda qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.” Najiidadan oo ahayd mid xisaab tabayaysan oo xisbiyada xiijisay, kadib markii guddidu labada xisbi midna guul siisay, midna garawshiiyo siisay.

Bahashaas najiido ah oo gebi ahaanba garashada dadku gunta ka riijisay oo dareemadeeduna suxun u gawaan raaceen, ayaa maxkamadda loo gudbiyay iyadoo guulaamo, guux iyo gunuusyo badani daba siigaynayo. Maxkamadda oo ah geedka ay ku gudho, ayaa loogu talo-galay in najiidada ay ruquusto oo run iyo beenba kala rasayso oo xisbiga buuqaya iyo ka baalla-xooftanayaba isu dhegaysato, kadibna dastuurka u baadho oo u eegto qodobkiisa afraad, amuurtiisa lixaad, eraygiisa, elegshan, jiitin, doorasho la kordheebay, najiido la hoos dhabay, xisbi lagu reebay, xubintiisa xisaabin xaashiyo, sanduuq lagu miisay, muraaqib komishan lagu kuusay jaawano tiro loo dhiibay gadbad lagu miisay, farqadiisa kulmiye lagu reebay udub oo loo geeyay ucid gelin hore, xarafkiisa eegayaal caalami, odayaal la dhaqdhaqaajay iyo guulaystayaal ismagacaabay, iyo nabad keenayaal ismagacaabay.

Maxkamadaas waxa u guntan doona, Garyaqaanka Guud iyo lix gor-gorfeeye, oo miyirkooda iyo magacaabidoodaba qaba. Gartaasi waxay yeellan doontaa laba muduci iyo hal mudacaalay, markhaatigiisuna waa madaacalayga oo muraaqibkiisa wata, madaacalaygu wuxuu noqon doonaa kamishanka, labada muducina waxay kala yihiin kulmiye iyo udub oo midna guul ku-dood yahay, midna xisaab ku-dood yahay, kuwaas oo mid waliba sideetan ku sarayntiisii sito.

Si kasta ha ahaatee, muddo laga joogo tobaneeyo waaberi ayaa guddida kimishanku ku dhawaaqeen in xisbiga udub yahay bahalka ku guulaystay bun-tirsigii foodka, hase yeeshee xisbiga kulmiye ayaa sidiqi waayay oo yidhi; “Cadami qalad xisaab,” kuwaas oo fagaare loo dhan yahay xaashiyo xisaabeed la yimaadeen intay codba cod ku dhufteen oo gobolba gobol ku dhufteen oo goobba sanduuq u qaybiyeen ka soo dhex saareen lix iyo toddobaatan cod oo iyagu ku cir-baxayaan. Guddiga kimishanka oo xarfaan xisaab aqoon ah isu haysatay ayaan halkaa wax isdifaac ah ka muujin, waxaanay ku andacoodeen “Burco been xisaab, bila-aadmi khalad badaal.”

Kimishanka oo hawsha ugu badan ee loo idrtay ahayd tirinta iyo hubinta cod iyo camalkii, ayaa lagu eedeeyay shuqullo ay ka mid yihiin xisaab-xumo iyo xoola-moogaannimo. Arrimahaas oo isku arbushtay xisbiyadii ilamaadeerka ahaa iyo akhlaaqda wacnaa, taas oo looga baqa-qabo in ay usgag u yeesho elegshankii laa aragga ahaa ee adduunyadu la fajacday. Xisbiga kulmiye oo arrintani si xun u halac dhoomisay, ayaa ilaa imika cabasho mooyaane caqli xumo kale lagu arag, wayrax dhegxumo watay oo lagu xamanayay in xisbigu ku kaco, ayaa xisbigu ka xarago luuday, kadib markii hogaamiyaha kulmiye sheegay in aanu samayn doonin dawlad ku tiiriya ah, waxaanu si calaacalle uga cawday dawladda iyo udub-ka isku raran, Madaxweynaha iyo musharaxa isku rakiban, kaashka iyo kaambaynka isku lifaaqan, kursiga iyo kimishanka isu daloolla, guurtida iyo guddida isu tusan. Arrimahaas oo uu yidhi, waxaan ka baqa-qabaa in ay loolanka luqun jibaadhaan hogaansha oo xayraan laxaad lihi ka muuqday, laakiin masuulnimo shakaalaysay, ayaa laga yaabbaa in uu fahmay in doorashada dhacday, laakiin aanay jirin dawlad cidla taalla oo laysu dhiibayaa, waana laga yaabaa inuu ogaado kolayga dalka looga taliyo.

Xisbiga udub oo ah kii markii horeba dhigta ku qotansanaa oo imikana qumaati u sii qaniinay, ayaa qiilka ugu weyn u isticmaalay nabadda, kaas oo isu magacaabay waashmaanka nabadda, inkasta oo hadalkaasi aanu been ahayn oo laga yaabo in nabadda cilinkeeda yaqaano, haddana lama oga in haddii uu sida kulmiye maanta yahay oo kale hadduu udub noqon lahaa, inta uu nabad ka xasuusan lahaa.

Xisbigan udub oo ah mid xukunka ku ilbaxay oo xididkiisuna biyaha gaadhay, waxa la rumaysan yahay haba xumaatee inuu xukunka sii xejin karo xasiloonidana sii xafidi karo, haddaanu isyeelyeelin, ama u kasin, waxaana la odhan karaa xisbi Afrikaan ah ayuu ugu cadaalad badan yahay.

Si kasta ha ahaatee, doorashadan oo danta laga lahaa Siilaanyo iyo Rayaaleba ka weyn tahay, taas oo quruxdeedana loolla dan lahaa in dunida loogu faano, khabiirnimada iyo xeeldheerida dadka dalkan ku nooli u leeyihiin ismaamulka iyo hanaanka dawladnimo sida maxkamadda lag filayo marka labadan xisbi kuu doono ha ahaadee midna kursiga la siiyo midna karaamada, waxaa lagama maarmaan ah in aan lays muquunin oo mid waliba isu qaadan in kaligii la doortay, sababta loogu cadeeyayna in aanay doqoniimadu ku jirin. Golayaasha iyo Garaadlaydana waxa la gudboon in aanay ku mashquulin shaxaa-tagga iyo shillin ka doonista xisbiga loo xukumo ee waa in ay u xaytaan xasilinta xisbiga kale iyo isu keenida labada hogaamiye iyo waliba walaalaynta dadkii siyaasadda ku kala qaybsamay.

Ugu dambayntiina, ama is-dulmiya ama is-dafira, dadku waxay idinka doonayaan dawladnimo aan guurayeey lahayn, lamana aqbali doono xisbiyo sidii laba naagood oo la wada qabo isu dudda.

Shangahaay.

Cudur cusub oo cabeeb loo maleeyay, ayaa indharayaasha eeshiya kaga oohiyay. Cudurkan oo magaciisa lagu sheegay SAAR, loona malaynayo saar-bakayle soo xaggaa baxay, waxaa loo malaynayaa inuu yahay Hargab Maraykan ama Bush fayris.

Digtoorada dunida oo cabeebkan ka faallooday ayaa yidhi, waxani malaha waa edeb-darro aadmi samaystay. Cudurkan oo lagu tilmaamay inuu yahay fayfle dheereeya, waxaan u malaynayaa in geed waraabe dawo u yahay.
Dhegaystayaal, imikana waan amintii gabay miiska, waxaanan idiin hayaa gabay cusub oo kala-kaan la yidhaa, waana kan.

Gabay

Kursi booday
Kaanbayn burburay
Kaash la kala qaatay.
Kabadh jabay
Kubaayado burburay
Kumishin eedoobay.
Kabaal adag
Kawaan hillib la dhigay
Karis la soo shiilay.
Kubad madaxa lagu boobayoo
Koone lagu laaday
Koobiyo galaaskoo
Ninkii karayay soo qaatay.
Kudlad halisa
Koofiyad bacliyo
Kuman ku soo biiray.
Kacdoon yaable
Kool la isu diro
Kaarto laga caagay.
Ku kac iyo kuladi maysidiyo
Keenis iyo qaadis
Ku dhufiyo ka daa iyo
Ku celi kaadi iyo jooji
Kuligood haddii la isku daro
Midiba waa kaane.
Kobtee weeyi
Keebaad rabtaan
La isku soo kadiye.
Ka jar iyo ku jiidiyo
Kar celi milic kaliileeda
Kuro bacad leh
Kaligood celceli
Kabo la’aan caydhi.
Kaneecadu ha layso iyo
Dhaxan koodhkana u qaado.
Kadh ka sii kufriga
Koox ka gado
Kiiniya u dhoofi
Kuligood haddii la isku kabo
Kala mid weeyaane.
Keebaad dadweynow kartaan
La isku soo kadiye.
Kaftan iyo ciyaariyo
Dagaal kuray jahaadaysa.
Kanbalada halyay lagu diliyo
Kuuli daba yaacay.
Kuligood waa wax kab jaray
Laygu kari waayay.
Kuma weeyi
Keebaa fil roon
Kadar la soo gaadhye.
Karin gaaban
Buur dheer korkeed
Kaabad kala jeeda
Kayn la isu galayiyo
Kob adag la isu kici waaye
Kuris geel karuun la iska qubay
Kadin col soo qaaday
Kelmad adag
Kornayl cadho la kidhan
Kiis la daba qaaday.
Kud wax dilla
Karaahiyo ka daran
Kayd la dhigan waayay.
Keebaad dadweynow rabtaan
La isku soo kadiye.
Labadiina kooxood haddaan
Laysu kaadi
Kol haddaan kulaylkoo bataa
Horumar keenaynin.
Kala qaybsanaan laba xisbina
Koboc abuuraynin.
Ha karaamo guurina,
Dalkaan kaybayna ii daaya.

Top