“Fanka Iyo Masraxa waxa U Hooyo Ah Hargeysa,” Saxardiid. Fahan Iyo Fiirsi (Gabay), Khadar c/laahi.
Mac-Hadka IPRD Oo Tababar U Xidhay
Hay’adaha Dawladda.
Cudurka SARS Oo Ku Fidaya India, C/Casiis A. Muuse-Weriyaha
Haatuf Ee Bariga Aasiya.
Suxufiyiin Radiyow Hargeysa Ah Oo Sheegay In Wasiirka
Warfaafintu Xayaraad Saaray Xorriyadda Wararka Idaacadda Ka Baxa.
Boorama: KULMIYE oo Eeddeeyay Aqoon-Yahano Reer Boorama Ah.
Haweenka KULMIYE Oo Jawaab Cadho Leh Ka Bixiyay Eeddeymo
Wasiirka Arrimaha Guduhu U jeediyay Xisbigooda; “Ismaaciilow, markii uu
maxamad kaahin halagnka ku jiray adiga waynu isla garanaynaa wixii aad qaban
jirtay.”
“Tiknikada iyo Ciidanka waaanu halkan u keenay in aanu
ilaalino nabadgelyada, haddii ay cidi is tidhaahdo fawdo samee,” Wasiirka
Daakhiliga - Wareysi,qaybtii 2aad.
Ciidamada Maraykanka oo laayay 15 Ciraaqiyiin ah.
Wasiirkii Saliidda Ciraaq Oo Ay Maraykanku Qabteen.
Dawladda cusub ee Falastiin.
Dadweynaha Reer Qatar Oo U Codeynaya Dastuurka Dalkooda.
WAADIGA CIYAARAHA: Thierry Henry oo noqday ciyaaryahanka
sannadka.
Bayern Munich Oo Diirada Saartay Makaay.
GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.
DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA.
Jilbo-dhiig.
|
|
“Fanka Iyo Masraxa waxa U Hooyo
Ah Hargeysa,” Saxardiid. |
IRMAANTA SUUGAANTA, A.Ducaale.
Hoombaro masrixiyadda Hoombaro lagu daawan wakhtigeedu wuxuu ahaa
1946-kii.
Saxardiid isaga oo ka hadlaya markii la isku biiray sidii uu xaalku kala
ahaa dhinaca Somaliland iyo Soomaaliya marka la isbarbar dhigo waxa uu
yidhi, “waatan aan leeyahay Talyaaniga ayaan ogolayn inuu dhaqankoodu sare
u kaco isaga oo doonayay inuu dhaqankiisa ku beero oo aanay iyagu soo
bixin, markaa ciyaaraha reer miyiga ee aynu inaguba ciyaari jirnay way
ciyaari jireen, laakiin masrixiyadda caynkaasi ah may lahayn waxaa kaloon
kuug darayaa masraxa anigu waxaan sameeyey jimciyada la yidhaa Somali
Youth Organization markaa in badan baanu ka soo shaqaynay ciyaaraha iyo
waxyaabo kale, waxaanse kala hadlay waxaan sameeyey masrax aan u bixiyey
Golaha murtida iyo madadaaladda magaca aniga ayaa bixiyey dhawr iyo
todobaatanadii markii la sameeyey tiyaatarkii Xamar ayaa loo bixiyey
magacii golaha murtida iyo madadaaladda ee aan anigu bixiyey markaa
Hargeysa waa hoyga hal-abuurka iyo fanka.
Dadkaa waxaan ka soo qaadayaa Yam Yam oo halkan nala joogi jiray oo muu
ahayn sidan uu markii dambe u af-dilaacsaday oo wuxuu odhan jiray shaqaada
igu dara, anaguna waanu yasi jirnay oo waxaanu odhan jirnay muxuu yaqaanaa
hase yeeshee markii dambe ee uu biyaha Hargeysa cabay ayuu Af-dilaacsaday.
Anigu waxaan garanayaa dagaalkii labaad ee adduunka oo sameecaddo dibada
loo soo saaro oo dadku ay ka dhegaystaan halkan kheyriyadda la yidhaa.
1961-kii waxaanu samaynay riwaayad la yidhaa “Hanaan qurux wanaag” oo ka
hadlaysay gobanimadii aynu tuurnay.Top
Fahan Iyo Fiirsi (Gabay), Khadar c/laahi. |
Dalku waa dalkeenee
Yaanay Duulin sheekadu
Dadku Waa Dadkaagee
Ha Dulaynin Waa Gobe
Ha Ku Dhicin Daluumaha
Diintaada Dhawroo
Boholaa Ha Dalaq Odhan
Dab Munaafaq Shiday Iyo
Dimuqraadinimadiyo
Naaraha Deleganee
La Duuduuban Ciilkee
Kufri Diiday Eebiyo
U diyaarsan Gaalada
Dahrigaaga Haw Dhigin
La Tacaal Dareenkoo
Dalabkiyo Hankaagiyo
Sidaad Adigu Doontiyo
Hadaad Waydo Dookhaa
Dalka iyo Dadkaagiyo
Ha Eedaynin Diintee
Samirbaa Ka Door Roon
Inaad Dhiilo Dirirtood
Gadba Doobta Lasisee
Nafta Dabar Ujiidoo
Sharaaftana Daneeyoo
Raganimada Doorbida
Bundukhiyo Damaankiyo
Fardahaa U door Roon
Wax Ladaawan Kara Oo
Indhuhuna Ka Daaline
Haday Duul U Joogaan
Dad Haduu U Soo Baxay
Sange Loo Durbaan Tumo
Fadalkii La Deedamay
Wuxu Daadab Hadho Iyo
Songe Uu Dambeeyayba
In miduun Dusaayoo
Durba Sacabka Loo Tumi
Ma Wax Daana Kiciyoo
Lagu Kala Durkaabaa !!!
Dhanka Kale Dadaalkii
Iyo Johoraad Diiqii
Wixii Laysla Daba Maray
Niman Diirad Qaatiyo
Dabagale Ha Joogee
DoqonIyo Damiiniyo
Caamadu Dal-Dalashadaa
Dadan Iyo Si Daalaacan
Dadku Wada Arkaayeen
Haduu Faraska Doolaal
Dalmbaabi Ciirkii
Dalaq-Dalaaq Kusoo Dhacay
Kobtii Loogu Dawgalay
Alla Doobir Badanaa
Misna Aan La Daynoo
Shaki Iyo Dareen Iyo
Farta Dalabta LooMiyin
Wali Daalib Loo Yahay
Haduu Guul La Deexdoo
Durbaanada La Qaatoo
Farxad Loo Daabaal Dago
Ma Wax Loo Dulaatoo
Nin Damiirli Dhawraaaa!!!
Isku Duub Warkaasoo
Ninka Doortay Inu Hadho
Midka Daalayee Haadhay
Iyo Kuwan Dinaahiga
Dad Ka Joogi Waayeen
Siday Daacaduba Tidhi
Way Dibad Baxeenoo
Shacab Doonistiisiyo
Dimuqraadinimo Iyo
Camal Gaal Dambaabiyo
Siduu Buushku Doorbido
Ayay Nala Damceenoo
Nina Doogso Mooyee
Isma Laha Dadkaaagiyo
Maatidan Dayaacaanee
Dulmigiyo Aabaartiyo
Dibjirkiyo Amxaarkiyo
Duur Joogayaaashiyo
Jaahli Looga Daaw Galay
Udanee Kamaalow
Umadaan Ducaysnayn
Waxay Diido Mooyee
Waligeed Dagaynoo
Abidkeed Dagaagilan
Ilaahay Ha Daaayee
Hadraawaa Daabuubtaa
Hore Noogu Deeqee
Isagaa U Door Roon
Raga Xarafka Dahabkaa
Gabayada Ku Daahee
Ina Dhamac Diraacdii
Dadka Jaah Warerkiyo
Lagu Riday Dayawgee
Ladhka Loogu Duurxulay
Wuxu Yidhi Ha Daahee
Wax Is Doorsha Mooyee
Wax Is Dooriyaan Jirin.
Khadar C/laahi Badeed, Hargeysa, April 24, 2003.
Top
Mac-Hadka IPRD Oo Tababar U Xidhay Hay’adaha
Dawladda. |
Hargeysa (Haatuf) Mac-hadka cilmi baadhista
iyo daraasadaha ee (IPRD) ayaa shalay soo gebagabeeyey tababar ku saabsan
habka maamulka, munaasibada oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socday
golaha wakiiladda, wasaaradda maaliyadda, Dawladda hoose iyo baanka
Somaliland.
Xafladii xidhitaanka tababarkaa oo lagu qabtay xafiiska IPRD ee magaaladda
Hargeysa waxa ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda C/Qaadir
Jirde, maayarka caasimadda Ing: Xuseen Maxamed Jiciir iyo saraakiil ka
socotay wasaaradda maaliyadda, Bangiga iyo dawladda hoose ee Hargeysa.
Laakiin waxa munaasibadda ugu horeyn ka hadlay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo
madax ka ah mac-hadka IPRD ee tababarada fidiyey, wuxuuna ka waramay
ujeedada tababarka iyo casharadii ay qaateen ka qayb galayaashu, isla
markaana wuxuu sheegay inuu aqoon korodhsigan ahaa mid tilmaamayey
miisaaniyadda sida ay maamulka ugu muhiim tahay iyo isu dheeli tirka
dakhliga iyo kharashka.
Dr. Axmed wuxuu tusaale u soo qaatay miisaaniyadda dawladda Somaliland oo
uu sheegay inay ka muuqato in marwalba culayska la saaray nabadgelyada,
isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Waxaynu aragnay
miisaaniyaddii Somaliland ee dawladda dhexe iyo ta hooseba in culayska la
saaray nabadgelyada, laakiin marka ay wixiiba nabadgelyada kaga baaxaan
waxa kaa dayacmaya waxyaabo badan” laakiin maalinba waxa soo kordhaya oo
waxa imanaya maalin aanay nabadgelyadu kharash caynkaas ah u baahnayn, Dr.
Axmed waxa uu intaa raaciyey in markaa uu yaraado kharashka ku baxa
nabadgelyadu la bedeli doono miisaaniyadda oo miisaanka la saari doono
tacliinta iyo caafimaadka iyo waxyaabo kale oo miisaanka la saari doono,
isla markaana wuxuu xusay inay ka qaybgalayaashu isla fahmaan sida aanay u
kala maarmayn maamulka iyo miisaaniyaddu.
Dr. Axmed Xuseen wuxuu u mahadl celiyey masuuliyiinta ka soo qayb gashay
xafladda xidhitaanka aqoon korodhsigaa oo uu casharo ka bixiye ka haa Cali
X. Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal) oo khabiir ku ah habka loo maamulo
miisaaniyadda iyo xisaabaadka, wuxuuna intaa ku daray inay isku deyi
doonaan tababaro kan la mid ah si loo tayeeyo shaqaalaha.
Maayarka magaalada Hargeysa Ing: Xuseen Axmed Jiciir ayaa isaguna hadal
kooban oo uu munaasibadda ka jeediyey ku sheegay sida ay lagama maarmaanka
u tahay in kor loo qaado aqoonta shaqada, isla markaana wuxuu u
mahadceliyey ka qaybgalayaashii, hay’addii soo qaban qaabisay iyo cdiid
gacan ka geysatay.
Mudane C/Qaadir Jirde ayaa isaguna in golaha wakiiladdu ay soo mareen
marxaladdo kala duwan oo marka la eego miisaaniyaddii golaha ugu horeysay
sameeyey iyo golaha dambe ay aad u kala duwan yihiin mudane C/Qaadir wuxuu
intaa ku daray inay sameeyeen gole ahaan dedaal badan isla markaana ay ku
dedaali doonaan sidii ay waxyaabo badan oo suurta gelin lahaayeen.
Cali X. Muxumed Guuleed oo isagu bixiyey casharada ayaa sheegay inay isaga
fursad weyn u tahay inuu muddada kooban ee uu dalka joogo wixii aqoon ah
ama khibrad ah u gudbiyo dadka, wuxuuna u mahad celiyey mac-hadka hawsha
waday iyo ka qayb galayaashii.
Top
Cudurka SARS Oo Ku Fidaya India, C/Casiis A. Muuse-Weriyaha Haatuf Ee
Bariga Aasiya. |
Cudurka saf mareenka ah ee sars-ka ayaa markii
ugu horeysay lagu arkay Nin 32 jir ah oo taksiila ah (taxi-Driver) Dalka
Hindiya magaaladda Pune. waxana la Sheegayaa in taksiilahaasi uu cudurkaa
ka qaaday markii uu soo Kiraystay Nin Ganacsade ahi oo ka soo laabtay
dalka Indonesia. Ninkaas ganacsadaha ah oo markii la baadhay laga helay
isna Cudurka Sars-ka.
Magaaladda Ugu dadka badan Hindiya ee “kolkata” oo hore loogu yeedhi jiray
“Calcutta” ayaa lagu soo waramayaa in laba qof in ka badan laga helay
cudurkaasi warkan oo uu saaka qoray wargeyska Asian Age ee ka soo baxa
Bombay, Hindiya, ayaa cadeeyay in cudurka sars-ku oo Khatar ku hayo
magaaladda kolkata.
Dr S.P. Agrawal oo ah agaasimaha Guud ee caafimadka Hindiya ayaa u sheegay
saxaafadda madaxbanaan in lagu daweynayo Hospitaalka Delhi iyo Mumbai dad
looga shaki qabo cudurkaasi. Waxanu haynaa ayuu yidhi agaasimuhu caalamada
muujinaya cudurkan kuwaas oo ay ka mid yihiin xumadda iyo qufac.
Dadka Reer Hindiya ayaa qaatay waraaqaha yar yar e afka lagu xidho si ay
iskaga ilaaliyaan neefta dadka cudurkaasi qaba. Shaqaalaha diyaaradaha
Hindiya, gaar ahaan kuwa taga Shiinaha, Thailand iyo Vietnam ayaa shaqo
joojin bilaabay shalay ka dib markii ay ka baqeen in uu cudurkaasi ay
qaadan. Ganacsiga dalalkaasi dhex mari jiray ayaa waxoogaa hakad galay
cudurkaasi awgii.
Abdiaziz Ahmed Mousa,Freelance journalist, Pune, India.
Top
Suxufiyiin Radiyow Hargeysa Ah Oo Sheegay In Wasiirka Warfaafintu
Xayaraad Saaray Xorriyadda Wararka Idaacadda Ka Baxa. |
“Waxaan Is Idhaahda Waxaad Xorriyad Badnayn
Xilligi Siyaad Barre.” Hargeysa (Haatuf): Axmed
Sh. Xuseen iyo C/raxmaan Sh. Axmed Faahiye oo ka mid ah Weriyayaasha
sar-sare ee Radio Hargeysa, ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in ay
Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wargeyska Maandeeq ay saaran tahay
cuna-qabatayn dhinaca madaxbannaanida wararka ah, taas oo ay
masuuliyadeeda dusha ka saareen Wasiirka Warfaafinta, C/laahi Maxamed
Ducaale, waxayna labaddan weriye sidaa ku sheegeen shir-jaraa’id oo shalay
qabteen.
Weriyayaashani markii ay ka waramayeen xayiraadda madaxbannaanida wararka
ee saaran Warbaahinta dawladda, waxay tusaale u soo qaateen dhacdooyin
kala duwan oo soo maray tan iyo markii ay abuurmeen ururrada siyaasaddu,
iyagoo sheegay in dhinaca wararka la kala takooro ururrada siyaasadda ama
xisbiyada siyaasadda. Labadan weriye, waxay daba socdeen war uu shalay
saxaafadda ku baahiyay Wasiirka Warfaafintu, taas oo uu sheegay in ay
idaacaddu dhex u tahay xisbiyada siyaasadda, laakiin taa waxay ku
tilmaameen in aanay run ahayn.
C/raxmaan Axmed Shamax oo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi; “Idaacadda
Radio Hargeysa iyo Wargeyska Maandeeq, si dhex ah oo cadaalad ah uma
adeegaan saddexda xisbi ee dalka ka jira.”
Laakiin, wuxuu intaa ku darray; “Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in ay
xisbiyada u cadaalad sameeyaan, laakiin aanu xisbiga KULMIYE u iman oo
aanu weriyayaal weydiisan, balse idaacadda iyo wargeyska Maandeeq cadaadis
iyo xayiraad ayay saareen wararka xisbiga KULMIYE, taasina waxay ka timid
Wasiirka Warfaafinta.”
C/raxmaan Shamax, isagoo tusaale ka bixinaya sida xayiraadda loo saaray
wararka xisbiga KULMIYE, wuxuu yidhi; “25-kii maalmood ee u dambeeyay
kaambaynkii doorashada, war uu KULMIYE leeyahay kama bixin Radio Hargeysa,
haddii uu ka baxayna aad ayuu u yaraa, sidaas darteed haddii ay madaxda
iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka cowdaan idaacadda iyo wargeyska
Maandeeq, xaq bay u yeesheen, masalan anigu waxaan ahay qofka ugu badan ee
wararka xisbiga KULMIYE geyn jiray idaacadda, balse markii aanu khaati
isla joogsanay madaxda idaacadda ee ay diideen wararka KULMIYE, ayaan
markii dambe iska daayay.”
Weriye C/raxmaan, wuxuu sheegay in wararka xisbiga UDUB sidii la doono
looga sii daayo Radio Hargeysa, wuxuuna yidhi; “Warka xisbiga UDUB,
markiiba waa la geliyaa Idaacadda, waayo, wasiirka idaacadda haysta ayaa
UDUB ka tirsan. Masalan, maalin maalmaha ka mid ah aniga oo sidda war
KULMIYE leeyahay ayuu wasiirku igu yidhi, sida aan kuugu yeedhiyo u qor
isagoo telefoon igula soo hadlayay, dabadeedna markaan u bilaabay ee aan
idhi, Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud, ayuu igu yidhi; inta
kale iska daayoo Siilaanyo dheh.”
Weriye C/raxmaan Shamax, waxa uu ugu dambayn yidhi; “Waxaan odhan karaa
Wasiirka Warfaafintu wuxuu jebiyay distoorkii Qaranka.”
Weriye Axmed Sh. Xuseen, ayaa isna tilmaamay in ay dhinaca idaacadda ka
jirto takoor dhinaca wararka ah, isagoo yidhi, “Runtii Idaacadda waxa ka
jira xayiraad dhinaca saxaafadda ah, iyadoo ay mihnadda saxaafaddu qofka
suxufiga ah farayso inuu dadka u gudbiyo wararka iyo waxyaalaha jira,
laakiin marmar baan is idhaahdaa, imika waxaad ka xorriyad badnayd
xilligii taliskii Siyaad Barre.”
Axmed Sh. Xuseen, wuxuu sheegay in xisbiga UDUB mooyee xisbiyada kale
wararkooda la xayiro ama faaf-reeb lagu sameeyo, isagoo yidhi; “Marka laga
reebo xisbiga UDUB, ururrada kale waxa wararkooda lagu sameeyaa faaf-reeb,
masalan imika inkastoo faaf-reeb lagu sameeyo xisbiga UCID wararkiisa waa
la sii daayaa, laakiin xisbiga KULMIYE war la sii daayo iska dhaafo xataa
waxaan la ogolayn in aad soo hadal qaado wax KULMIYE ku saabsan.”
Axmed Sh. Xuseen, wuxuu intaa ku daray, “Idaacaddu maadaama oo ay tahay
idaacad Qaran, waxa looga baahan yahay in ay dhex u noqoto ummadda iyo
xisbiyadaba, waayo dawladdu ma helayso dad UDUB wada ah ee dadku xisbiyada
ayay kala taageersan yihiin, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in aan la
xayirin dimuqraadiyadda iyo xorriyatul-qawlka.”
Labada Weriye, iyagoo daba socda hadalkii Wasiirka Warfaafinta ee ahaa
weriyayaal nalama soo weydiisto, waxay taa lafteeda ku tilmaameen
cunna-qabatayn xorriyadda wararka ah, waxayna sheegeen inuu dhaqanku
saxaafaddu yahay in ay weriyayaashu subaxii u foof tagaan war-raadis,
kadibna ay la soo guryo noqdaan hadba wixii ay helaan, iyagoo arrintaa ka
hadlayana waxay yidhaahdeen; “Shaqada weriyayaasha waxa ka mid ah in ay
subaxii war-raadis u baxaan, kadibna marba warka uu la kulmo uu soo qabto
oo keeno, laakiin maaha in marka uu war arko uu ogolaansho u doonto.”
Top
Boorama: KULMIYE oo Eeddeeyay Aqoon-Yahano Reer Boorama Ah. |
Boorama (Haatuf): Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee
xisbiga KULMIYE, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), ayaa ku eedeeyay urur
aqoonyahano reer Boorama ah in ay dadweynaha geliyaan qas iyo jah-wareer,
wuxuuna sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo shalay ku qabtay xafiiskiisa.
Axmed Muxumed, wuxuu sheegay in aanu garanayn goobta iyo goorta la
sameeyay ururkan, isla markaana aanu fahamsanayn ujeedadooda, laakiin
wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin niman aqoonta uga faa’iidaysanaya si
khaldan, wuxuuna yidhi, “Qaar ka mid ah nimankaa iyo dawladdu waxay
yidhaahdeen, haddii KULMIYE soo baxo, waxa la xidhi doonaa Jaamacadda
Camuud ama Hargeysa loo rari doonaa.”
Dacar, isagoo ka hadlaya jaha-wareerka jira, wuxuu sheegay in ay dadka
reer Boorama kala garan la’ yihiin natiijada ku-meel-gaadhka ah ee ay
guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen iyo ta rasmiga ah ee Maxkamadda Sare
ku dhawaaqi doonto, isagoo intaa ku daray in ay xisbiga KULMIYE u
dacwoonayaan xaqooga, isla markaana ay yihiin kuwa ku guulaystay
doorashadii dhacday.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar,
Gudoomiyaha Xafiiska KULMIYE ee Boorama waxa uu ku doodday inuu maamulka
dawladda iyo xisbiga UDUB ay hatigaad iyo cadaadis ku hayaan
taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuuna dadka reer Awdal ugu baaqay in ay
fahmaan in isbedel kasta oo dalka ka dhaca aanu ahayn mid lagu kala
aargoosanayo, balse uu yahay isbedel siyaasadeed oo keliya, halka buu
yidhi: “Ay UDUB ku ololaynayso haddii uu xisbiga KULMIYE baxo waxa uu
samaynayaa aargoosi, laakiin ma jirto cid uu KULMIYE tacadi u geysanayaa
haddii uu ku guulaysto.”
Top
Haweenka KULMIYE Oo Jawaab Cadho Leh Ka Bixiyay Eeddeymo Wasiirka
Arrimaha Guduhu U jeediyay Xisbigooda; “Ismaaciilow, markii uu maxamad
kaahin halagnka ku jiray adiga waynu isla garanaynaa wixii aad qaban
jirtay.” |
Hargeysa (Haatuf): Garabka haweenka ee xisbiga
KULMIYE ayaa shalay jawaab cadho leh ka bixiyey hadalo ka soo baxay
wasiirka arimaha gudaha Somaliland, mudane Ismaaciil Aadan Cismaan, taas
oo uu wasiirku xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inay wadaan qalaanqal iyo falal
nabadgelyo daro ah, laakiin shir-jaraa’id oo ay garabka haweenka KULMIYE
ku qabteen magaalada Hargeysa waxay si ba’an u dhaliileen hadalka wasiirka
daakhiliga, waxayna ku dacwiyeen inaanu xisbigoodu wax nabadgelyo daro ah
marna waddin, isla markaana uu xisbigoodu yahay xisbiga aqlabiyadda dadka
helay doorashadii dhowayd.
Xubnaha shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa ka mid ahaa gudoomiye-kuxigeenka
2aad ee xisbiga KULMIYE, Siraad Cali Yuusuf, Canab Cumar Ileeye oo ah
gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga KULMIYE, Sahra Jaamac Qoorsheel iyo
Canab Cali Ducaale oo labaduba ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE
iyo xubno kale oo dhawr ah, iyadoo ay kulan-saxaafadeedkaa ka soo qayb
galeen ilaa soddoneeyo haween ah oo ka mid ah hawl-wadeenada iyo
taageerayaasha xisbiga KULMIYE.
Ugu horayn Gudoomiye-kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Siraad Cali
Yuusuf ayaa shirkaa jaraa’id ka hadashay, waxayna hadalkeeda ku bilowday
“Waxaan jeclahay inaan ka hadlo hal qoddob oo aan u dul-qaadan-waayey”,
waxayna intaa ku dartay “Hadalkii ismaaciil-yare (Wasiirka daakhiliga”
waxa ka muuqday hanjabaad uu u jeedinayo maxkamadda sare, taas oo uu
wasiirku cadeeyey inuu hanjebaad u jeedinayo maxkamadda sare oo uu
leeyahay maxkamadda sare waxaanu ku khasbaynaa inay anaga (UDUB) noogu
dhawaaqdo wixii ay komishanku noogu dhawaaqeen, taasina waa ayaandaro,
horena waxa loo yidhi nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka
dhacday.”
Siraad Cali Yuusuf waxay wasiirka daakhiliga ku eedaysay inuu isagu yahay
ka nabadgelyadarada dalka ka wada, halka uu wasiirku dhiniciisa xisbiga
KULMIYE ku eedeeyey inuu xasilooni-daro wado, laakiin Marwo Siraad, iyadoo
ka hadlaysa natiijadii doorashada waxay ku doodday inuu xisbigoodu helay
aqlabiyadda dadka reer Somaliland, isla markaana uu yahay xisbiga ku
guulaystay doorashada, balse la doonayo in cadaalad daro lagu waasiiyo,
waxayna iyadoo taa tilmaamaysa tidhi “70% dadka reer Somaliland waa
KULMIYE, waxayna ka damqanayaan cadaalad darada dalka ka jirta.”
Canab Cumar Ileeye oo iyana halkaa ka hadashay waxay ugu horayn eedaysay
warbaahinta dawladda, sida Raadyow Hargeysa iyo jariiradda Maandeeq,
waxayna tidhi “Idaacadda Raadyow Hargeysa waxa maalin walba laga sii
daayaa hambalyooyin UDUB ah, laakiin shirarka jaraa’id ee uu xisbiga
KULMIYE qabto lagama sii daayo, sidaa darteed rubuc-malyuun taageerayaasha
KULMIYE ah ayaa codkooda la baadiyeeyey, markaa waxaan leeyahay Raadyow
Hargeysa yaanu noqon Raadyow UDUB ee waa inuu noqdo raadyow ay ummaddu
leedahay oo ka dhexeeya, wasiirka warfaafintana waxaan ka codsanayaa inay
cabashadayadu soo baxdo oo raadyowga loo sinaado.”
Canab Cumar Ileeye waxay sheegtay inuu xisbigoodu yahay xisbiga ku
guulaystay doorashadii dalka ka dhacday, isla markaana ay maxkamadda sare
ku dhawaaqi doonto inuu guusha helay xisbiga KULMIYE, hadii bay tidhi ay
cadaaladda eegto.
“Ma jirto wax ad-adayg lagu helaa waxaad moodaa qofka xukunkaa hayaa inay
weligeed sidaa ahaanayso, laakiin ahaan mayso ee xilku waa wareegto ama
hala nebcaado ama hala jeclaado oo maalin-ba ninkaa kursiga ku fadhiya.”
Sahra Jaamac Qoorsheel ayaa iyana halkaa ka hadashay, waxayna ugu horayn
ka hadashay nabadgelyada, waxayna tidhi “Nabadgelyadu ummadda ayey ka
timaadaa, waana marka ay labadii isdilay heshiiyaan, xisbiga KULMIYE-na
waa xisbi mujtamaca Somaliland ay intiisa badani codkooda helay oo ku
guulaystay, markaa ma aha ninkii shalay ka shaqaynayey xaalad abuurka si
ay shacbiga Somaliland isugu dhacaan ma aha inuu maanta aniga I yidhaahdo
aynu nabadgelyada ka ilaalino, sidaa darteed ummadda reer Somaliland way
taqaan macnaha nabadgelyada, mana aha wax lagu dagayo, laakiin xisbiga
UDUB iyo maamulkiisa ayaa nabadgelyada xumaynaya, masalana gobolka Sool
iyo bariga gobolka Sanaag nabadgelyo daro daraadeed ayaa baandow loo
saaray, taasna waxa abuuray maamulka hadda jira, waxaynta taasi ogolaatay
inay maamulo kale farageliyaan, maantana maamulka Somaliland faro uguma
jiraan, tusaale ahaan sanaaduuqdii oo aanu doonayno inaanu geyno Badhan
ayaa naloo diiday inaanu geyno.”
Sahra Qoorsheel waxay intaa ku dartay, “Maamulka Somaliland waxay
daneeyaan afar oday oo maalin-ba dhinac mushahar ka qaata, wayna ilaaween
dhibaatooyinka shicibka haysta”. Laakiin waxay intaa ku dartay “Cadaaladda
yaan la cabudhin, hadii cadaaladda la cabudhiyana waxay keeni doonaya
nabadgelyo xumo, si dadka la isaga horkeeno ayaa la leeyahay maxkamaddu
waxay ku dhawaaqaysaa codkii uu ku dhawaaqay komishinku, wasiirada sidaa
lihi isku dhac ayey abuurayaan, laakiin dalka cid walba KULMIYE ayaa uga
lexejeclo badan.”
Waxa kale oo dumarkii halkii ka hadlay ka mid ahaa Canab Cali Ducaale,
waxayna tidhi “Daahir Rayaale meesha waxa keenay dastuurka dalka, markaa
hadii aanu xaganayno maalintaa ayaanu xag-xag lahayn, xaasha inaanu
xag-xagano”. Laakiin Canab Cali waxay si gaar ah u weerartay wasiirka
daakhiliga, iyadoo u muuqatay inay ka cadhaysan tahay hadalo ka yeedhay
wasiirka daakhiliga oo uu ku magac-dhabay, waxayna tidhi “Wasiirka maanta
hadidaya Maxamed Kaahin waxaan ogahay inay labadoodu (Ismaaciilyare iyo
Maxamed Kaahin) kala leeyihiin magacyo iyo taariikh, waxaana leeyahay
shalay markii ay Maxamed Kaahin iyo ragga la mid ahi halganka ku jireen,
adigu Ismaaciilow wixii aad qaban jirtay waynu isla garranaynaa, markii ay
SNM-tu magaalada soo gashay gurigaaga waa tii la gubay, adiguna waa taad
Boorame u baxsatay, markaa wixii aqalkaaga lagu gubay iyo sababtii aad
Boorame ugu baxsatay jawaabteeda waa lagaa sugayaa, ta kale Maxamed Kaahin
isaga Somaliland kaaga lexejeclo badan, kursiga aad ku fadhidona ummadda
ayaa iska leh, nabadgelyada ummadda leh, adiguna taariikhdii hore
Somaliland inay libin gaadho maad jeclayn.”
Canab waxa kale oo ka hadashay, waxayna tidhi “Xisbiga KULMIYE kalsooni
badan ayuu ku qabay inuu guusha helay, waxayna ahayd wax la wada ogyahay,
markaa guddiga doorashooyinka waxaan leeyahay hadii ay dhacday inuu
KULMIYE guushii helay xaasha’e rag waaweyn oo masuuliyiin ah ayaad
ahaydane inaad sidaa maanta yeeshaan idinka ayey taariikh-xumo idiin tahay,
markaa iyadoo la idin aaminay may ahayn inuu C/laahi Jawaan yidhaahdo UDUB
baa helaysa, taasi waa wax aad u foolxu, isla markaana KULMIYE waxba ku
yeeli maayo ee masuuliyaddiisa dambe ayey u xun tahay. Anaguna hadii aanu
KULMIYE guusha anaga leh, cidkasta oo xoog sheegataana nagama qaadi karto.”
Canab Cali Ducaale waxa kale oo ay soo qaaday madaxweyne Daahir Rayaale,
waxayna tidhi “Maanta waxaad tahay madaxweynihii ummadda, waxaana
wanaagsan inaad horseed ka noqoto isu soo jiidka iyo walaalaynta ummadda,
isla markaana hadii uu maanya sharcigu ku dejiyo oo lagaa guulaystay waa
inaad na hambalyeyso, karaamada iyo sharafta aad meesha kaga tagtaa waxay
dhaxal u noqonaysaa taariikhdaada dambe, markaa yaanay taariikhda kuu
gelin inaad noqoto madaxweynihii burburiyey Somaliland oo yaanay kursi
jeclaysigaaga u burburin”.
Top
“Tiknikada iyo Ciidanka waaanu halkan u keenay in aanu ilaalino
nabadgelyada, haddii ay cidi is tidhaahdo fawdo samee,” Wasiirka
Daakhiliga - Wareysi,qaybtii 2aad. |
Hargeysa (Haatuf): Intiinii shalay akhrisatay,
waxaanu idiin soo deynay qaybtii hore ee Wareysi aanu la yeelanay Wasiirka
Arrimaha Gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan, sidaa darteed waxaanu
halkan idiinku soo gudbinaynaa qabytii labaad ee wareysigaa, waana tan:
S: Maalintii loo ballansanaa in natiijada lagu dhawaaqo, waxa la sheegay
in aad diideen in aad saxeexdaan, maxaad u saxeexi waydeen?
J: Horta sideedaba maaha in ay laba xisbi iyo saddexda xisbi toona
saxeexaan, ee waxa weeye marka goobaha lagu soo tiriyo ee komishanku soo
saxeexo, saddexda wakiil ee xisbiyaduna soo saxeexaan, kadib ay xarunta
guddiga Qaranka yimaadaan sanaaduuqdu, sidaas ayay tiradu ku dhan tahay,
taas ayaanay xisaabtu tahay oo laysu geyn-geynayaa, xisbi walibana
dhokumentigiisii ayaa la tusayaa oo koobi la siinayaa, markaa taas ayuun
bay ahayd in laga doodo, laakiin kii xaruntu waxa ay ahayd mid muran ah oo
ay komishanku fureen, isla markaana waxay ahayd mid aan sharciga
waafaqsanayn, mana ay ahayn in asxaabta laysugu yeedho oo la yidhaahdo
kaalay xisaabtama, imikana ma jirto cid wax wada saxeexday iyo wax aanu
annagu diidnay iyo wax cid kale saxeexday toona ee komishankii xaqa u
lahaa ayuun baa ku dhawaaqay, balse nasiib-darro sidii ay KULMIYE filayeen
in iyaga guusha loogu dhawaaqi doono, ayay UDUB guushu ku raacday 80 cod,
kadibna taas ayay KULMIYE liqi la’ yihiin oo dadkii ay ku yidhaahdeen
waynu guulaysanay ayay imika garan la’ yihiin waxay u sheegaan, markaa waa
in ay maanta ku yidhaahdaan waa la ina boobay, yaase boobay, iyagaaba wax
boobaye.
S: Waxa la leeyahay Maxkamadda ayaad fara-gelin ku haysaan, taasi ma
jirtaa?
J: Xaashaa Lilaah, Maxkamadda Sare cidkasta way ka madaxbannaan tahay.
Masalan, anigu waxaan ahay wasiirkii daakhiliga, dalkana waxa iga awood
weyn Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, mar qudha maan ag marin
Maxkamadda, cid kale oo naga mid ah oo ag martay ma jirto, waayo
Maxkamadda waanu ku kalsoonnahay, mana jirto wax allaale waxay bedeli
kartaa, ee waxay ku dhawaaqaysaa go’aanka saxa ah ee ay guddigu u soo
gudbiyeen, mana jirto wax ka duwan oo ay ku dhawaaqaysaa.
S: Maalintii la damacsanaa in natiijada doorashada lagu dhawaaqo, waxa
xarunta komishanka yimi Shir-gudoonada Baarlamaanka, waxayna sheegeen in
ay Madaxda Xisbiga UDUB cabasho u keeneen, maxaad iyaga ugu cabateen ee
aad komishanka doorashada ku shaqada leh ugu caban weydeen?
J: In aad xoog wax ku doonto maaha ee waxa loo baahan yahay in wax kasta
lagu doono si wanaag ah, sidaas darteed markii aanu aragnay inuu
gudoomiyaha Komishanku dhinac yahay, isla markaana aanu aragnay in la
diidan yahay in codkiisa la tiriyo qof muwaadin ah oo coddeeyay, iyadoo
arrinta sanaaduuqda la diiday ay ka masuul ahaayeen komishanku, taas oo
dhokmentkii lagu soo ridi lahaa sanaaduuqda aanu lagu soo ridin, taasna ay
masuuliyadeeda lahaayeen komishanku, sanaaduuqdaasi waxay ahaayeen kuwo ay
UDUB aqlabiyadooda lahayd, taas darteed ayaanu odayaasha Guurtida u
sheegnay oo ku nidhi arrintaasaa taagan oo intaas oo sanduuq oo aanu xaq u
leenahay ayaa la diiday in la tiriyo, laakiin su’aasha odayaashu
weydiiyeen komishanka way diideen hadalkii odayaasha oo waxay yidhaahdeen
sanaaduuqdaa mana eegayno mana tirinayno, markaa sidaas ayay odayaashu
kaga yimaadeen, cidna culays may saarin.
S: Xarunta Wasaaradaada waxa beryahan joogay baabuur tikniko ah, waa maxay
xaaladda aad dareentay ee aad ciidanka meesha u keentay?
J: Horta ciidanka Boolisku baabuurtii ay lahaayeen oo dhan gobollada
ayaanu u kala dirnay, isla markaana Ciidanka Qaranku uu ka qayb-qaadan
karaa hawsha nabadgelyada, ciidanka milateriguna maaha Xabashi ama wax
dadka cunna ee waa niman muwaadiniin ah oo Booliska ayay la mid yihiin,
difaaca dibadda iyo nabadgelyada gudaha ee dalka labadaba waa loo adeegsan
karaa, ciidanka Booliiska ee halkan joogaana kuma filna nabadgelyada,
sidaas darteed waxaanu tiknikada iyo ciidanka meesha u keenay in aanu ku
ilaalino nabadgelyada, haddii ay cidi istidhaahdo fawdo samee, iyadoo ay
na soo gaadhayaan arrimo badan oo ah in ay jirto cid nabadgelyo-darro wada,
markaa ciidankani horena nabadgelyada ayaanu ugu sugaynay, ilaa haddana
nabadgelyada ayaanu ku sugaynaa oo ay meesha ku joogaan, mana jirto wax
dhibaato ah oo ay cid ku hayaan, sababta ay halkan u joogaana waxay ku soo
dhawaadeen, halkani waa halkii maamulka nabadgelyada la xukumayay, waayo,
anigu waxaan ahay gudoomiyaha nabadgelyada Qaranka, sidaas darteed ayay
iila shaqaynayaan.
Top
Ciidamada Maraykanka oo laayay 15 Ciraaqiyiin ah. |
Al-faluja (W.Wararka) - Ugu yaraan 15 qof oo
Ciraaqiyiin ah ayaa dhintay, qaar kaloo badana way ku dhaawacmeen kadib
markii ay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq ay rasaas ku fureen
dadweyne ku nool degmada Fuluja oo ilaa 50 km dhinaca galbeed ka xigta
caasimadda dalkaasi Ciraaq.
Arrintan oo ka dhalatay markii ay iska-horimaadyo uu dhiig ku daatay ka
dhaceen degmadaasi habeen hore, iyagoo dadka degmadaasi dhigay gadood ay
kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Maraykanka ee degmadaasi oo ay
galeen laba maalmood kahor. Dhacdadan oo aad u murugo gelisay dadka
degmadaasi waxay keentay inay ku tallaabsadaan mudaharaado laxaad leh oo
ay kaga soo horjeedaan rasaasta ay ciidamada Maraykanku ku fureen dadka
mudaharaadayay.
Wararka kasoo baxaya dhinaca cusbitaalada ayaa sheegaya in dadka
dhaawacmay badankoodu ay halis yihiin, kadib markii ay kasoo gaadheen
nabaro halis ahi rasaasta ay ku fureen ciidamada Maraykanku.
Ciidamada Maraykanka ayaa ku soo rogay magaaladaasi Bandoo adag, iyagoo
xayiray dhammaan isku socodka dadka iyo dhaq-dhaqaaqa magaalada.
Top
Wasiirkii Saliidda Ciraaq Oo Ay Maraykanku Qabteen. |
Baqdaad (W.Wararka) - Sida ay sheegayaan
wararka ka imanaya magaalada Baqdaad ciidamada Maraykanka ayaa qabtay
wasiirkii Saliida ee xukuumaddii Sadaam Xuseen ee la riday, Caamir Maxamed
Rashiidi, kadib markii uu isku dhiibay ciidamada Maraykanka maalintii
Isniintii.
Sida ay sheegeen taliska ciidamada Maraykanku, Rashiidi gacanta ayaa lagu
hayaa, balse wax tafaasiil ah kamay bixin goobta uu ku sugan yahay iyo
sida uu xaalkiisu yahay.
Magaca Rashiidi oo isla markaana ahaa la taliyaha gaarka ah ee Sadaam
Xuseen, waxa uu ku jiray liiska mas’uuliyiinta reer Ciraaq ee uu
Maraykanku raadinayo oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 55 mas’uul, waxaanu
magaciisu ku jiray lambarka 47aad, ilaa iyo haddana mas’uuliyiinta la
qabtay ee ka tirsanaa maamulkii Sadaam Xuseen waxay gaadhayaan ilaa 14 qof.
Top
Dawladda cusub ee Falastiin. |
Ram Allah (W.Wararka) - Ra’iisal-wasaaraha
cusub ee Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa maalintii shalay xukuumaddiisa
cusub soo hordhigay golaha Baarlamaanka ee dalkaasi, si uu u helo
kalsoonida Baarlamaanka.
Furitaankii fadhiga Baarlamaanka oo uu ra’iisalwasaaruhu ka hor akhriyay
Barnaamijka xukuumaddiisa, waxaanu sheegay inay xukuumaddiisu ahmiyadda
koowaad siinayso ka gun-gaadhista waan-waantii Bariga Dhexe, iyo sidii loo
joojin lahaa xad-gudubka ay Israa’iiliyiintu ku hayaan dadka reer
Falastiin.
Waxa kaloo uu ka hadlay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay inay xakamayso
rabshadaha iyo fad-qalalada ay wadaan dadka kasoo horjeeda Isra’il, isagoo
ku baaqay in la xakameeyo hubka aan sharciga ahayn. Waxa la filayaa in
Baarlamaanka Falastiin uu aqlabiyad buuxda ku ansixiyo Dawladda cusub ee
uu soo dhisay Raa’isal-wasaaruhu, taasoo dhismaheeda uu muddooyinkii
dhowaa uu ka dhashay muran laxaad lihi, kaasoo u dhaxeeyay mas’uuliyiinta
sar-sare ee Falastiiniyiinta.
Top
Dadweynaha Reer Qatar Oo U Codeynaya Dastuurka Dalkooda. |
Doha (W.Wararka) - Dadweynaha ku nool dalka
Qatar ayaa maalintii shalay u dareeray cod-bixinta Afti loo qaadayo
Dastuur cusub oo waddankaa loo sameeyay. Dadweynaha reer Qatar ee cod-bixinta
ka qaybgalay oo tiradooda lagu qiyaasay 24,000 oo qof waxay cod-bixinta ka
dhiibanayeen 150 goobood oo loogu talogalay in cod-bixinta laga dhiibto,
waxaana dusha ka eegaya cod-bixintaasi goob-joogayaal ka socda Caalamka.
Amiirka dalkaas, Sh. Xamad bin Khaliifa Al-Saani iyo madax sare oo ka
tirsan dalkaasi ayaa ka mid ahaa dadweynaha subaxnimadii shalay dhiibtay
codkooda, waxaana la sheegay in dhallinyarada iyo haweenku ay si weyn ugu
soo baxeen cod-bixinta. Dastuurkan oo la diyaarinayay muddo Saddex
sannadood ah, waxa la sheegay inuu xorriyad dheeraad ah siinayo
xorriyatul-qawlka iyo ka qaybqaadashada dadweynaha ee ka qaybqaadashada
talada dalkaasi, waxaanu ka kooban yahay 150 qodob, qodobada ku jirana
waxa ka mid ah doorashada Baarlamaan uu yeesho dalkaasi.
Dadweynaha dalkaasi, oo lagu qiyaasay 700,000 oo qof, waxa la sheegay in
badankoodu ay yihiin dad aan u dhalan dalka Qatar, tallaabadana waxa la
filayaa inay isbeddel waxoogaa ah u horseedo dalkaasi.
Top
WAADIGA CIYAARAHA: Thierry Henry oo noqday ciyaaryahanka sannadka. |
Weeraryahanka reer Arsenal, Thierry Henry ayaa
ururka khuburada kubadda cagta ee Ingiriiska PFA (Professional Football
Association) ay siiyeen inuu yahay xiddiga sannadka ee kubadda cagta ee
dalka Ingiriiska, kadib markii uu ka badiyay xiddigii sannadkii hore ee
reer Manchester, Ruud Van Nistelrooy, iyadoo ay sheegeen inuu u dhaliyay
naadiga Arsenal boqol gool, haddaba Henry waxa uu u mahad-celiyay raggii
tartanka kula jiray oo iyaga laftoodu u footeeyay isagoo yidhi; “Raggaas
ayaa aniga ii shalay inaan noqdo xiddiga sannadka, raggaas oo kala ah una
kala ciyaara naadiyada Newcastle, Alan Shearer, Celsea; Gianfranco Zola,
Southampton; James Beattie, Manchester; Van Nistelrooy; Paul Scholes,
intaasi oo dhammi way ii codaysay, waanay ku mahadsan yihiin.”
Haddaba ururka PFA ayaa sheegay inay uga cadeeyeen website-ka Premier
League dad gaadhaya 1000,000, milyan oo qof oo ay Henry u cadeeyeen 3
daloolow hal dalool marka milyan Saddex loo qabiyo (333333.3) ay u
cadeeyeen website-ka inuu Henry noqdo xiddiga Ingiriiska, dadkaasi oo
kasoo kala cadeeyay 182 waddan.
Dhinaca kale, ururka PFA, waxay u sameeyeen ama xuleen naadiga sannadka oo
ay kasoo xuleen dhammaan naadiyada:
Brad Friedel - Blackburn
Stephen Carr - Spurs
Sol Campell - Arsenal
William Gallas - Chelsea
Ashley Cole - Arsenal
Patrick Vieira - Arsenal
Paul Scholes - Man. United
Kieron Dyer - Newcastle
Ropert Pires - Arsenal
Thierry Henry - Arsenal
Alan Shearer - Newcastle
Top
Bayern Munich Oo Diirada Saartay Makaay. |
Berlin (AFP) - Dhawaan ayaa wuxuu bilaabay
naadiga horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich xiiso farabadan oo uu u hayo
ama ku ugu hamiyayo inuu iibsado ninka weeraryahanka gool-dhalinta Leagua
Spanish-ka ah ee Qaranka Holland-na u ciyaara.
Haddaba mar uu maalintii Isniintii ninka booska ka ah naadiga Bayern
Munich, Mr. Ottmar Hitzfeld u waramay jariirada Isniin kasta kasoo baxda
Jarmalka ee la yidhaa ‘Kicker Magazine’ wuxuu yidhi; “Makaay waa hubaal
inuu yahay ciyaaryahan xiiso badan leh oo la jeclaan karo, anaguna waanu
xiisaynaynaa haddii ay waxyaabo noo suurogalaan waanu soo iibsanaynaa.”
Haddaba, faallo uu joornaalku ka qoray Bayer iyo Makaay wuxuu ku sheegay
in qiyaaska sicirka Makaay yahay 7 milyan ilaa 10 milyan oo Euro ah, iyo
inay Munich ka faa’iidaysato Makaay oo jecel inuu Isbaanishka ka tago
marka uu heshiiskiisu dhammaado, isagoo heshiiskiisu ku egyahay 2005, iyo
iyadoo ay u dhawdahay inay Bayern Munich Makaay ku caashaqday isagoo
naadiga Jarmalka ah ee awooda sare leh ka dhaliyay 4 gool oo ka mid ah
5-tii gool ee Deportivo ka dhalisay Munich labadii ciyaarood ee
Champion-ka sannadkan horraantiisii 28-jirka Makaay.
Laakiin, dhinaca kale mar ay jariiradu wax ka weydiisay sarkaal kale oo ka
tirsan naadiga Bayern Munich oo magaciisa la yidhaa Franz Beckenbauer ayaa
walaac ka muujiyay doonista weeraryahanka Makaay, wuxuuna u sheegay
jariirada in uu u malaynayo inaan naadiga Munich u baahnayn nin kale oo
afka hore ah oo ay soo iibsato, isagoo uu joogo weeraryahanka reer Brazil
ee Giovane Elber oo ku jira saddexda nin ee gool-dhalinta horyaalka
Jarmalka (Bundesliga) hoggaaminaya oo midkiiba leeyahay 16 gool, sannadkan
iyo weliba sababta labaad ee uu u soo cuskaday doonis la’aanta Makaay ku
sheegay naadiga Bayern Munich oo xilli-ciyaareedkan 2002/2003, dhalisay 61
gool oo ka horaysa naadiyada ugu fiican sannadka 14 gool oo ay ka sarayso
naadiga kusoo xiga.
Top
GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA. |
Ambiilku waxa uu leeyahay shuruudo, waxaana
shuruudahaa ka mid ah in hadii wax lagugu yeeshay inaad horta waxaas
bixiso, waxa kale oo ka mid ah inuu ambiilku muddo yeesho, sida 3o cisho
iyo wixii la mid ah, laakiin hadii uu ambiilku muddo dhaafo, isla markaana
aanad hayn cudur-daar lagu qanco wuu dhacayaa. Sidoo kale waxa ka mid ah
inaan dacwad kale la furin ee tii hore uun la ambaqaado oo la geeyo
golaheedii.
Markhaatiyada inkasta oo aynu qaarkood hore u soo sheegnay waxay u kala
baxaan dhawr nooc oo ay ka mid yihiin, markhaati xog-ogaal, taas oo ah
wixii aad war hayso ama arkaysay ama maxaad goob-joog u ahayd. Waxa isna
jira markhaati shareeco, wuxuuna la xidhiidhaa dhinaca diinta, taas oo la
odhanayo wixii diinta ku xidhma wadaad hala waydiiyo ama waxa la odhanayaa
arintaa kitaab haloo eego.
Waxa kale oo isna jira markhaati xeer-beegti, wuxuuna markhaatiga caynkaas
ahi la xidhiidha dhinaca khibradda xeer-beegtinimada, taas oo masalan
marka ay arini dhacdo la yidhaahdo hebelow tan oo kale ma u soo joogtay,
waxyaalaha la odhanayana waxa ka mid ah “Hebelow qoodh iyo xeraale ayaa
laguu qabsadaye arinta caynkaas ahi meel ka dhac ma tahay.”
Waxa kale oo isna jira markhaati la yidhaahdo Ifmadoon, taas oo ah
sheegista wixii ka dhaca gole dadba wada joogo oo macwi ah, waxaasi ha
noqdeen dhac, cay ama waxyeelo laguu geystay ama hiil lagaa hiiliyey intii
ay gartu socotay ama qiraal kuu dhacay oo la yidhi “Waxaasi waa gacan”..
Sidaa awgeed waxa ka dhaca meesha golaha ah ama gole dad-joogeen ah ayaa
la yidhaahdaa Ifmadoon.
Waxa kale oo dhaqamada garaha ka mid ah in si gobanimo ah loo garnaqsado
ama hadalka loo yidhaahdo, taas oo ah in hadalka si aan kulayl lahayn loo
yidhaahdo ama la qaboojiyo, laakiin mararka qaarkood hadalka kulayl waa
loo odhan karaa, sida marka dilku dhaco, balse marna ma aha inuu kulaylku
hadalkaaga ka muuqdo ee wejigaaga ayuu ka muuqan karaa. Waxaana dhaqanka
hadalka ka mid ah inaad ku halqabsato nin kaa soo horjeeda, adigoo ninka
aad ku halqabsanayso magac-dhabaye, taas oo aad masalan odhanayso “Caliyow
abti” ama “Caliyow adeer”, inaadeer, walaal iwm...
La soco.
Top
DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA. |
Mingistu: Nin dhalinyaro ah oo markaa joogay
Ugaadeeniya, isla markaana uu Taariku taliye u ahaa mar uu taliye ka ahaa
guutada 9aad, ayaan anigu aqoon u lahaa. Laakiin aniga iyo Taariku Layne
mar keliya isku qayb ama guuto maanu noqon, xataa meel aanu ka wada
shaqaynayn may jirin, balse markii uu ubixii kacaanku dilaacay
labadayaduba waxaanu ahayn gaashaanle yaal, wuxuuna isagu markaa ka socday
guutada 17aad oo ka tirsanayd qayb uu haystay Tasfaaye Walde Salaase,
aniguna waxaan ka socday qaybta 17aad.
Taariku Layne waxa uu ka mid ahaa nimanka ka faa’iidaystay ee horumarka ka
gaadhay maamulkii kacaanka, waxaana loo magacaabay janaraal, isla markaana
waxa uu ahaa nin ay da’diisu yar tahay, laakiin intii aanu janaraalka
noqon mar baa jirtay uu gobolka Tigraay dhexdiisa ka abaabulay guuto
ciidan ah, ka dibna uu dagaalkii u horeeyey ka bilaabay waqooyiga, isaga
oo taliye u ahaa ciidamada fadhigoodu yahay gobolada Goondar iyo Humara
iyo agagaarka Abdaraafi, intii uu halkaa joogayna nimanka kacaanyahanada
ah, siyaasiyiinta iyo taliyayaasha qaybaha ee ciidamada xuduudaha jooga
ayey mar walba is dili jireen oo ka soo dacwoon jiray, ka dibna markii aan
idhi maxaa ka jira oo lagaga dacwoonayaa ninkaa waxa ka mid ah waxyaalaha
ay lahaayeen “Taariku maadaama ay isaga iyo saraakiisha kuliyadda
ciidamada ka soo baxay colaad hore dhextaalay, ma heshiin karaan, waayo
isma arki karaan, sidaa darteed waxa haboon in isaga meel kale loo bedelo”.
Ka dibna waa la bedelay Taariku oo waxa loo bedelay dhinaca Koonfurta
dalka, dabadeedna isaga oo aagga koonfureed iska jooga ayaa loogu dalacaad,
laakiin ciidamada goobaha dagaalka jooga oo keliya ayuun baanu xiligaa
dalacaadda siin jirnay, dabadeedna markii aanu Taariku siinay janaraal
Taariku waxa soo baxay niman taa diidan, waxayna yidhaahdeen “Waa maxay
waxa uu Taariku qabtay ee janaraalnimada lagu siiyey, iyadoo ay
saraakiishii kale goobaha dagaalka daalaadhacayaan, kuwaas oo dhaawacmaya
ama dhimanaya, halka uu isaguna Awaasa iska joogay ee biirka isku
daldalayey, markaa muxuu ku mutaystay in janaraalnimo loo dalacsiiyo”.
Qaar kalena oo iyaguna diidan dalacaadda janaraalnimo ee Taariku ayaa
yidhi “Marka uu ninku doonayo inuu janaraalnimo qaato ama heer
janaraalnimo u gudbo waxa looga baahan yahay inaad noqoto nin khibrad u
leh hogaaminta dagaalada iyo inaad noqoto nin dagaalyahan ah, waxaana
lagaaga baahan yahay inaad ku sugnaato ama joogto halka ay ciidamada kale,
markaa Taariku isaga oo aan muujin raganimadiisa in la yidhaahdo
janaraalnimo haloo dalacsiiyo ma aha wax macquul ah oo la aqbali karo,
janaraalnimaduna ma aha wax sida casharka qunyar la isku saydho”, laakiin
waxa jiray qaar isaga taageersan, kuwaasina waxay yidhaahdeen oo ay isaga
ku difaacayeen “Ninkan halkii uu kartidiisa ama raganimadiisa ku muujin
lahaa marna lama geyn, wax qalad ah kuma laha taa, waxayna dhaliishaasi
meesha imman kari lahayd hadii inta la siiyo fursad, ka dibna uu muujin
kari waayo kartidiisa, markaa hadii aan fursadba la siin oo la tijaabin
sidee baa loo ogaan karaa kartidiisa, isla markaana waxa uu taliye ka soo
noqday meelo kala duwan, taas darteedna waa sarkaal khibrad u leh aqoonta
askarimada ama ciidamada oo soo jireen ah, balse hadii ay arintu tahay
dagaal laga qayb galo uun, isaguba waa kii ka qayb galay dagaalkii u
horeeyey ee ka dhacay meesha la yidhaahdo Aqiyaahi. Sidaa darteed iminka
maadaama ay tahay xiligii uu janaraalnimo qaadan lahaa wuu sugayaa,
hadiise aynu ku nidhaahno janaraalnimo uma qallantid miyaani niyad-jabayn,
markaa ninkan mudada uu soo shaqeeyey iyo kartidiisa ciidan-nimo marka la
qiimeeyo hadii ay u ogolaanayso in la siiyo derejadaa hala siiyo, isla
markaana derejada la siiyey inuu yahay nin u qalma, isagu ha is muujiyo”,
dabadeedna maadaama ay nimankan oo aad ugu dhodhowaa qiimaynta intaa le’eg
ka muujiyeen, waxaan markaa waydiiyey xagee baad doonaysaan ama rabtaan
inaynu ku qorno maadaama uu janaraalnimo qaatay, ka dibna waxa soo yeedhay
jawaabo kala duwan, iyadoo ay qaarba wax yidhaahdeen, taas oo ay
jawaabihii la bixiyey ka mid ahaayeen “Furinta Naadaw hala geeyo”, qaar
kalena waxay yidhaahdeen “Miyuu hogaamin karaa ciidanka aagga Naadaw jooga
ee aadka u balaadhan”, hadana waxa soo yeedhay “Haa wuu awoodaa inuu
hogaamiyo.”
Gannat: Kuma iyo kuma ayey ahaayeen kuwa sidaa lahaaa?
Mingistu: Waxa ka mid ahaa janaraal Siyuum Makoonin, janaraal Masfin Gabra
Qaal, Tasfaaye Gabra Kidaan iyo qaar kale, sidii ayaana lagu ogolaaday
bedelka Taariku, waxaana laga dhigay taliyaha ciidamada aagga Naadaw,
dabadeedna inta uu u tegay ciidankii ayuuba ololiyey oo dab geliyey,
halkaas ayeyna dhibaatadu ka dhalatay. Markaa anigu ilaa iyo waqtigaa
ayaan Taariku taageeri jiray oo xataa markii uu joogay Humara ee la soo
dacweeyey waxaan idhi Tigraay hala geeyo.
La soco.
Top
Gabadhii ayaa telefoonkii qabatay oo tidhi “Naa
muxuu ahaa qofka aad ii dhiibtay”, ka dibna Saynab ayaa tidhi “Naa waa mid
bayhoof ah oo aanu beri is naqaanay ee cabaar waal”, laakiin Biixi wuu
maqlayaa hadalka meesha ka dhacaya ileyn labada gabdhood dhinaca ayey isku
hayaane. Ka dibna gabadhii telefoonka loo dhiibay waxay Biixi ku bilowday
ciyaar iyo saaxiib maxaad doonaysaa.”
Biixi gabadhii ku cayaaraysay ee ay Saynab afka u gelisay hadal kale uma
celinayn ee keliya waxa uu ku lahaa “Walaal hal mar ii dhiin Saynab”,
laakiin suurta gal may noqon inay u dhiibto, ka dibna markii uu muddo
nusa-saace ka badan telefoonka dhegta ku hayey ayey naagtii markii dambe
telefoonkii ku dhigtay.
Hase yeeshee Biixi wiilkiisii yaraa markiiba intii uu xabsiga ku jiray
ayuu suuqa iska galay, wuxuuna noqday xabbagle, laakiin dhawr bilood ka
dib maalintii uu Saynab telefoonka u diray gabadh Ingiriiska ka timi oo
taqaanay Saynab ayuu la kulmay, waxayna u sheegtay inuu wiilkiisii yaraa
dhintay oo uu gaadhi jiidhay isaga oo neel gidaar ah xabbag ku cabaya,
balse Biixi geerida wiilkiisa yar ee loo sheegay aad uguma nixin, waayo
waxay ahayd wax uu awelba filayey oo wuu iska garanayey in mar hadii uu ka
tegay oo barbaarintiisa iyo noloshiisa gacanta ku hayn, sidaa darteedna
markii geeridiisa loo soo sheegay kuma ay noqon wax cusub oo markiiba
samir iyo iimaan ayuu ka qaatay.
Saynab waxay halkeedii ka waddoba galabtii dambe ayey iyada iyo wiil
Afrikaan ah oo xerteeda ka mid ahi ka kaceen majliskeedii, waxayna
kaxaysteen baabuur, iyaga oo u baxay hawl la xidiidha mukhaadaraad suuq
loo soo sheegay oo doonayeen inay soo iibiyaan, ka dibna iyada iyo wiilkii
inta ay baabuurkii galeen ayey carareen, dabadeedna gaadhigii ayaa dhuftay
mid ka mid ah wadooyinka laamiga ah ee magaalada London, iyadoo uu ku
soconayo xawli aad u dheeraynaya, laakiin markii uu meel dhexe marayo ayuu
daf yidhi baabuur oo xamuul ah oo wadada marayey, ka dibna halkaas ayey
labadii qofba ku qudh-baxeen, baabuurkiina uu digaandigaha ku noqday, ka
dibna taraafigga iyo qaylada ayaa isu yeedhay, waxaana maydkii aasay
dawladda hoose ee London, sidaas ayeyna ugu dhamaatay gabadhii Saynab,
Biixina maalmo dambe ayuu suuqa ka maqlay inay Saynab dhimatay, ka dibna
markii uu waraystay waa loo xaqiijiyey.
Biixi markii uu muddo ilaa laba sannadood gaadhaysa shaqadii yarayd ee
telefoonada ku jiray ee ay waxoogaa shilimo ahina uga urureen ayuu
maalintii dambe fasax qaatay oo qabtay xagaa iyo reerkoodii miyiga, iyadoo
uu fasaxiisu ahaa laba bilood, laakiin Biixi markii muddo ilaa bil ah
joogay ayuu maalitii qabtay oday abtigii ah oo yaal miyi waxoogaa ka
durugsan halka uu reerkoodu yaalo, ka dibna markii uu muddo toddobaad ah
abtigii la joogay ayuu maalintii dambe hungureeyey gabadh guriga abtigii
joogtay oo ay qoodh badani ka muuqato, balse gabadhaas oo uu odayga
abtigii adeer u ahaa waxa uu arinkeeda u soo bandhigay oo uu kala tashaday
abtigii, laakiin odaygii abtigii waxa uu u sheegay inay gabadhu nin kale u
doonan tahay, laakiin Biixi oo ay hawo guur aad u hayso kuma qancin
jawaabta abtigii siiyey, wuxuuna is tusay gabadha mar hadii aanu meher ku
xidhnayn inaanu jirin sharci ka horjoogsanaya inuu guursado, sidaa darteed
waxa uu bilaabay inuu ka shaqeeyo oo uu isagu la dhameeyo.
Gabadhaasi waxay inta badan joogi jirtay guriga oo debed baxeedu wuu yaraa,
waxayna inta badan ku mushquulsanaan jirtay samaynta Hararada iyo Kebdaha,
balse xiliyo ay ka mid yihiin barqada marka xooluhu kala dareeraan ayuu
marmar afka u soo yara dhuubi jiray oo uu kelmado ku tuurtuuri jiray,
laakiin markii uu inmuddo ah haasaawe kaftan u badan la waday ayuu
maalintii dambe u badheedhay, una sheegay inuu arin guur ka doonayo.
La soco.
Top
|