Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 323 May 2, 2003

“Fanka iyo Masraxaba Hargeysa U Hooyo Ah,” Wareysi-Abwaan Saxardiid.

Guddiga wanaag farista Berbera oo hambalyeeyey maayarka.

“Maalinba Ninka Kursiga Waayaa,Yaanu Odhan: Tollaay, Yaa SNM Ah.”

Wasiirka Difaaca Maraykanka Oo Lagu Rasaaseeyay Gudaha Magaalada Baqdaad; Madaxweynaha Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Dhammaaday Dagaalkii Ciraaq.

150 qof oo ku dhintay dhul-gariir Ku Dhuftay Turkiga.

Rabshado Hadheeyay Xuska Maalinta Shaqaalaha Aduunka

Weriyaha Jamhuuriya Ee Gabilay Oo La Xidhay.

Odayaal KULMIYE Ah Oo Ku Adkaystay Inaanu Xisbigoodu wadin Nabadgelyo darro Iyo Inuu Ku Guulaystay Doorashada, “Wa Run Oo Weynu Is-Naqaannaa,Nin Walibana…”

Berbera Oo Looga Diyaar-Garoobayo Xuska Geeridii Cigaal.

Goob-Joogayaal Jaaliyadaha Dibadda Ah Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Natiijadii Doorashada Somaliland: “Go’aanka Maxkamadda Laga Sugayaa Meesha Ma Ka Saari Karaa Mugdiga Komishanku Ntiijada Geliyay.”

Maraykanka Oo ka Digay Weeraro Cusub Oo Al-Qaacida Ah.

Madaxweynaha cusub ee Burundi.

IFTIINKA ISLAAMKA: ASMAA BINTU ABII-BAKAR.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Shacabi Fiican Waynu Haynaa,Illaahow Madax Fiican!!!

Yaan Laydin Kala Dilin, Prof. Cali Ibraahim Iidle.

WAADIGA CIYAARAHA: Arbacadii iyo ciyaarihii saaxiibtinimo ee dhacay.

Jilbo-Dhiig, Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed (Xasan), waxaa tifaftiray A. Ducaale : 34aad.

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga, waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991, waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay Muuse Shoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale.

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida, waxa qoray Cabdi Caara-dhuub, q: 34aad.


“Fanka iyo Masraxaba Hargeysa U Hooyo Ah,” Wareysi-Abwaan Saxardiid.

“Fanka iyo Masraxaba Hargeysa U Hooyo Ah,” Wareysi-Abwaan Saxardiid.

waxa todobaadkii hore wargeyska Haatuf lagu baahiyey maqaal ka hadlaya masraxa Soomaalida kaasi oo uu qoray nin magaciisa la yidhaahdo... haddaba maqaalkaasi waxa dareen diidmo ah ka muujiyey dad fara badan oo reer Somaliland ah iyada oo maqaalkaasi qoruhu ku sheegay in masraxu ku horeeyey dhinaca magaalada Muqdisho.

Haddaba waxa arrintaa ka jawaab ka bixiyey Abwaan Saxardiid oo ka mid ah abwaanadda waaweyn ee Somaliland, muddo dheerna ku soo jiray arrimaha fanka iyo masraxa waxaanu sheegay in masraxa iyo fankaba ay Hargeysa u tahay hooyo, isla markaana uu ka bilaabmay asal ahaan.

Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, "horta fanka iyo masraxu waa wax is-huwan labaduba, hase yeeshee way kala baxaan, markaa masraxiyadda marka la yidhaahdo wakhtiyaashii ay bilaabantay, waa wakhtiyaashii aananu jirin, balse waa wakhtiyaddii ay awoowyaasheen, waxan uga jeedaa waa markii aan masraxu jirin ilaa iyo 1800 markay taariikhdu ahayd ayaa la soo bandhigi jiray wax la odhan jiray Carwo oo ahayd bandhigida alaabooyinka dhaqanka markaas oo debadda la geyn jiray gaar ahaana dalka Ingiriiska, iyada oo ay dad xidhan jireen dharka, warmaha, gaashaanka iyo waxyaabaha dhaqanka ah, markaas oo loo bixiyey carwo, oo xitaa rag ay magacyo kula baxeen, isla markaana waxa ay magacyadii ku sii hadhsanaayeen, magacyadaasina waxa ka mid ahaa Cabdi Carwo.

Sidaas darteed waxa la odhan karaa marka intaas la eego in masraxu ka bilaabmay Somaliland, balse aanu ka bilaabin Muqdisho. Saxardiid waxa uu intaa ku daray in masraxiyaddu dhaqan inoo ahaayeen, waxaanu yidhi "Suugaantu waxay inoo ahaayeen dhaqan, waxa jiri jiray, ciyaaro dhaqan oo duleedka la iskugu iman jiray, kuwaas oo dadka qaarna ciyaari jireen kuwa kalena ay daawan jireen, laakiin markii ay soo tadawuraysay ee ay gaadhay inay fadhiisato markii hore waxay ahayd sara-joog, waxa soo rogay niman la odhan jiray xertii Xaaji Baal-Baal, markaa waxa la odhan jiray shaluu maray sheeladaad kori, shantaad bixin, Berbera ka shaqaysan doontaaye'e".

Saxardiid waxa uu sheegay in ilaa 1930-nadii ay tadawurka samaysay masrixyaddu, ka dib markii ay dad cadan ka yimid isla markaana Ilbaxnimo hore la yimid. isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi " waxa ay bilaabeen in ay fadhi iyaguna ku ciyaaraan, taasaana keentay qaab nololeedkan dambe, oo hirgelisay habkan cusub ee masrixiyadda, isla markaana sii kaabtay qaab masraxiyeedkii hore, masalan waxa ka mid ahaa heesihii berrigaa la qaadi jiray, labaalay iwm., taasoo markii dambe gaadhay ilaa riwaayaddo taasoo ahayd ilaa dhamaadkii afartamadii, markaa dabadeed ayaa niman carbeed oo Carab Soomaali ahaa ayaa keenay Berbera kaman, iyada oo markii dambe nin Hindiya oo la odhan jiray Bifti Armuuniya iwm".

Saxardiid isaga oo ka hadlaya masraxu ka uu ku soo horeeyey Xamar iyo Hargeysa waxa uu sheegay inuu Hargeysa kaga soo horeeyey, maadaama ay dhaqanka dadkan ay ka mid ahayd inay masrixiyadda bandhig carweedkaa uu soo horeeyey, laakiin ay Xamar lahaayeen wax western la odhan jiray isla markaana ay ahaayeen qaar dhaqan Talyaani, isla markaana aanay xataa lahayn tiyaataro, wax lagu soo bandhigo xataa markii gobonimada la qaatay, iyada oo uu Muqdisho ugu bilaabmay shareerada iyo western-ka oo ku beegnayd ilaa kontameeyaddii.

Saxardiid waxa uu sheegay in markii gobonimada la qaatay in aanay Muqdisho lahayn, balse ay jireen niman ka heesa sinimayayaasha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen nin la odhan jiray Maxamed Jaamac Joof iyo qaar kale, kuwaas oo ka tagay xagan Somaliland, laakiin waxaasi wax sidaa u sii weyn ahayn.

Halka uu dhinaca Somaliland ka xoog badnaa intaas isla markaana uu gaadhay xataa dalal kale, oo ay ka mid tahay Cadan iyo Djibouti, xataa Xamar lafteeda ayaa la tagay oo la geeyey riwaayado dhawr iyo kontonaddii. Ka dib markii ay tageen Xuseen Aw Faarax, C/laahi Qarshe iyo rag kale, riwaayadaha dhulkaa la soo mariyey waxa ka mid ahaa Ceebla iyo Cantar.

Saxardiid isaga oo ka hadlaya sida ay ugu kala horeeyeen Hargeysa iyo Xamar dhinaca masraxa waxa uu yidhi "mar aan anigu geeyey laba riwaayadood oo la kala odhan jiray waxaanu u yeedhnay nin la yidhaahdo Axmed Naaji, isaga oo aanu u dhiibnay heeso yar yar oo fud-fudud, laakiin dhinacayaga waxa jiray niman ay ka mid ahaayeen Cali dheere iyo rag kale oo aanu u dhiibnay iyaga heeso dhaadheer oo dhawr jeer is-rogrogaya, kuwaas oo uu Axmed Naaji yidhi aniga heesaha dhaadheer ha ii dhiibina, ee kuwa yar yar ee fud-fudud ayaan qaadayaa, markaas ayaanu ku nidhi adigu kuwa waxaad noo haysaa xadhiga oo kaliya."

Mar la weydiiyey Saxardiid riwaayadii ugu horeysay waxa uu sheegay inay afartamadii ahayd markii la riwaayaddii u horeysay la dhigay, riwaayadaas oo lagu dhigay meel geerash ah oo u dhaw halkan imika uu yahay sinimaha Hargeysa, halkaas oo ay ka soo bixi jireen saddex jirariidadood. Xagga tacliintana way ka timid, riwaayadaas oo ahayd mid ay sameeyeen macalimiintu, kuwaas oo ahaa rag aad u hawl kar ah, oo aan ka sii garanayo "maa li araa", kuwaasaana ugu horeeyey riwaayado la dhigo.

Riwaayaduhuna waxa ay inooga yimaadeen buugaagtan carabta ee ay ka mid yihiin Juxa sidaas ayaana laga sameeyey, riwaayadihii u horeeyey laakiin markii dhaqankeenii lagu daray ayey noqdeen wax la jeclaado oo qurux badan.

Dhinaca kale waxa uu Saxardiid iftiimiyey inay jiraan riwaayado kale oo kuwaa ka horeeyey oo ay ka mid ahaayeen qaar lagu dhigi jiray Berbera iyo SAylac taas oo la odhan jiray hombaro,iyaga oo sidan masalan qoladan Saylac ay u jilaan oo kale sida Hoyanbee oo kale ah. Ereyadeeda ay ka mid yihiin sita maraabkib nasaara laa yasum c iwm.
Astaanta habeenka la ciyaarayo waxa uu ahaa saca saantiisa iyada oo suuqa lala soo mari jiray, si dadka loogu sheego in caawa la ciyaarayo. Kuwaas oo ahaa naaxuudayaal iska dhal iyo qaar kale oo carab ahaa, isla markaana Cadan ka yimid, iyada oo masraxiyaddana uu ku macneeyey inay tahay habka wax loo jilo, iyo habka aad iskugu ekaysiin karto, waxa aad jilayso, macnaha haddaad oday jilayso iwm.
 

Top


Guddiga wanaag farista Berbera oo hambalyeeyey maayarka.

“Hadii aanu nahay guddiga wanaag farista iyo xumaan ka reebidda gobolka Saaxil waxaanu gudoomiyaha (maayarka) iyo golaha degaanka, Cabdalle Maxamed uga hambalyeynaynaa roobabkii da’ay 23-kii Abril, 2003 sidii xilkasnimada lahayd ee aad awoodda buuxda u saarteen ee aad wax qabadka u muujiseen, waxayna dadweynaha reer Berbera ku faraxsan yihiin waaga cusub ee u beryey ee ay muujiyeen madaxdooda sharafta leh.

Arintani waxay reer Berbera u dhistay mooralka, waxayna xaqiiqsadeen inay wadanka ku nool yihiin madax daacad ahi. Welina Berbera may soo marin maanta ka hor roobab da’a oo laba maalmood gudahood qashinki, biyihii iyo dhoobadiiba lagaga nadiifiyey, iyadoo hadda ka hor roobabka da’ magaalada ay dhibaato ka dhallan jirtay.”  

Top


“Maalinba Ninka Kursiga Waayaa,Yaanu Odhan: Tollaay, Yaa SNM Ah.”

Hargeysa (Haatuf): “Ragga maanta leh waanu dagaalamaynaa hadii ay ka dhab tahay waxaanu leenahay ilaahay ha soo hadeeyo, shakhsiyaadka ay ereyada noocaas ahi ka yeedhayaan waxay u baahan yahay in loo caqli celiyo”, weedhahani waxay ka mid ahaayeen hadalo ay ka jeediyeen koox dhalinyaro ah oo u badnaa dagaalyahankii ururka SNM, kuwaas oo shalay kulan saxaafadeed ku qabtay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxayna kooxdani ka jawaabayeen oo ay daba socdeen koox kale oo iyaguna ka mid ah dagaalyahanka SNM, kuwaas oo kulan saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Hargeysa ku sheegay inay ka tirsanaayeen ciidanka qaranka, laakiin shaqadoodii lagaga eryey sabab la xidhiidha inay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE u codeeyeen, waxayna kooxda hore jeediyeen hadalo dhiif leh, iyaga oo qaabka loola dhaqmay ku tilmaamay inuu yahay qaab nabadgelyada waxyeeli kara, laakiin kooxda kale ee shalay ka daba hadashay ayaa iyaguna dhinacooda aad u dhaliilay hadalada kooxdaa hore ka soo baxay, waxayna sheegeen inaanay nabadgelyada waxba yeelin karin iyo inaanay keligood SNM ku abtirsan karin.

“SNM-tu maxay la qaylinaysaa ee ka maqan hadii ay qaad doonayaan hanoo soo doonteen”, sidaa waxa yidhi Muj: Dayrwaa oo ka mid ahaa raggii kulankaa ka hadlay, waxay intaa ku dareen “Nabadgelyadu waa nolosha bini’aadamka, markaa anigu maan daawan TV-ga ee ninka maanta laga sheegayo waanu dagaalamaynaa, waxaan u malaynayaa inaanay ka dhab ahayn, hadii ay ka dhab tahayna ilaahay ha soo hadeeyo, xisbiyada waxaan leeyahay waa xisbiyo qaran oo la caayo ma mudna, balse shakhsiyaadka ay ereyada caynkaas ahi ka soo baxayaan waxaan leeyahay ilaahay ha soo hadeeyo, hadii ay caqli celinta qaadan-waayaana nabadgelyada waxba ma yeeli karaan, waxna ma samayn karaan”.

Xubnaha halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Ismaaciil Madoobe iyo Mujaahid Axmed Cali, waxaana hadalladooda ka mid ahaa: “Qaranimadayada ciddina ma burburin karto, nabadgelyadana ciddina waxba ma yeeli karto, ninka rag ah ee nabadgelyada waxyeeli karaana banaanka haw soo baxo”.

Xubno dhawr ah ayaa halkaa ka hadlay, waxaana ka mid ahaa muj. Saleebaan Xuseen (Sallo), waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, “SNM urur buu soo halgamay oo dalkan xaq ku leh, laakiin wuxu dhalay Somaliland, Somaliland-na waxay dhashay axsaabtan maanta, SNM-na xisbiyda way ku wada jirtaa ama ka dawladda ha ahaado ama kuwa kale ha ahaado, markaa SNM ma aha wax ay ingaar ahi ay dan gaar ah ku fushato, waxaana jiray rag SNM ah oo maamuladii Somaliland ku soo jiray iyo kuwo maanta ku jira, markaa ma aha in maalinta kursiga la waayo la yidhaahdo Tollaay yaa SNM aheey, taasi mid meesha taal ma aha, waxa jiray rag la yidhi waa la eryey, waxaase jiray rag xil qaranka u hayey oo u isticmaalay si shakhsiya, ninka laamigaa is yidhi dhiso ma isagaa is eryey, mise cid baa eryaday, markaa waxaan idin leeyahay meesha anagaa idinku jirna, dawladduna waa dawladdiinii ee shaqooyinka soo doonta, xaqna shaqooyinka waad u leedihiin, madaxweynaha iyo dawladda jirtaana si sharci ah ayey ku yimaadeen, iminkana si sharci ah ayaa loo tartamay ee aynu maxkamadda ka war sugno oo aynu iimaansano oo aynu iska dayno cagajiglaynta iyo SNM baan ahaan jiray ileyn raggu waa is yaqaan oo maanta is barran-maayee oo hebel iyo hebel baynu isu naqaanaa”.

Waxa kale oo iyaguna Bile hudheel ka hadlay koox kale oo ka mid ahaa dagaalyahankii SNM, kuwaas oo iyaguna muujiyey dareen la mid ah ka ay ku hadleen kooxda hudheel Xaraf, waxaana ka mid ahaa Muxsin Aw-Cali, Mahdi Nuur Maxamed, Nuur Muhindis, Shabbac Koosaar iyo Xuseen Cabdi Weerar.

Dhinaca kalena hogaamiyayaasha xisbiga UDUB waxay doraad hudheelka Mingsing ku qabteen bandhiga saxaafadeed ay kaga hadleen tirooyinkii codadka ee uu xisbigoodu Burco ka helay, iyaga oo daba socday bandhiga ay hore u soo saareen xisbiga KULMIYE oo ay ku sheegeen inay tiro ilaa 133 cod ka dhiman tahay codadkii ay ka heleen magaalada Burco, laakiin qolada UDUB ee doraad bandhigga qabatay waxay tiradaa ku tilmaameen been, iyaga oo soo sheegay inuu KULMIYE sheegtay tiro aanu lahayn, sidoo kalena waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Togdheer, wuxuuna u markhaati furay xisbiga UDUB, isaga oo ayiday tirooyinka UDUB soo bandhigay.

Xubnaha kulan saxaafadeedka ay UDUB qabteen waxa ka mid ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Maalmahan waxaan moodaysay in ciidamada uu xisbiga KULMIYE kula dhex jiray guubaabo iyo kicin, taasna looma baahna, waayo ciidanka hadii la kiciyo yaa la jiidhsanayaa, waxaanu leenahay ummadda halaga daayo xamaasadda iyo kicinta”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay afhayeenka xisbiga UDUB, Axmed Xaashi, wuxuuna Axmed tafaasiil ka bixiyey tirooyinka ay soo bandhigeen, iyaga oo istcimaalay sawir-soo saare (Projector), halkaas oo ay tirooyinka 133-ka ah ee ay beeninayaan. “Xisbiga UDUB waxa uu ku guulaystay tiro ka badan 80 cod,” ayuu yidhi afhayeenku.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xasan Cabdi (Xasan-xaydh), waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Maalintii ay KULMIYE dabaaldegayeen nin weyn oo masuul ah ayaa debedda uga soo baxay oo gacmaha kor u taagay, waxaase meesha taal maxaa looga jeeday dabaaldeggaa, dadku way far yaqaan, odayaashu way far yaqaaniin, siyaasiyiintuna way is far yaqaaniin, markaa waxa keliya ee looga jeeday waxay ahayd waanu guulaysanaye waa nala boobay, sidoo kale shirarkan is daba joogga ahna waxa looga jeedaa in dadka la rimiyo, laakiin siyaasiyiinta KULNMIYE hadii ay sidaa ku najaxi jireen, maanta u suurta geli mayso”.

“Ragga maanta leh SNM miyaanay ahayn kuwii shalay lahaa SNM way baaba’day oo waxay dhashay Somaliland, maanta maxay dhashay ma KULMIYE” ayuu yidhi Xasan Xaydh.

Wasiirka gaashaandhigga, Mudane Ismaaciil Cumar Aadan (Boos) oo ka hadlay rag ciidamada ka tirsan oo shaqada la eryey, laakiin wasiirka gaashaandhiggu wuu beeniyey, wuxuuna sheegay inaanay jirin cid waqtigan xaadirka ah shaqada looga eryey sabab siyaasadeed, wuxuuna magacyadooda xusay dhawr nin oo uu sheegay in qaarkood shaqada laga eryey waqti hore, qaarna ay weli ka tirsan yihiin ciidanka qaranka.

Kulamada is daba joogga ah ee uu xibiga UDUB abaabulay dhawrkii cisho ee u dambeeyey waxay daba socdeen ama jawaabo rogaal celis ah u yihiin eedaymo ama doodo ay hore si is daba joog ah u qabanayeen xisbiga KULMIYE, una jeedinayeen xisbiga UDUB iyo maamulayaasha dawladda, kuwaas oo ay hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha KULMIYE ku dhaliilayeen hogaamiyayaasha xisbiga UDUB iyo madaxda dawladdda oo intooda badan ka tirsan xisbiga UDUB, jawaabahan la is dhaafsaday dhawr maalmood ee u dambeeyey waxay sababeen dagaal dhinaca afka ah oo ay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE isu marinayeen atmosfeerka saxaafadda, waxayna taasi dabada ku haysa murranka xooggan ee ka taagan natiijada doorashada, murankaas oo ku saabsan UDUB iyo KULMIYE cidda ku guulaysatay doorashada, iyadoo ay guddiga doorashadu ku dhawaaqeen natiijadii aan rasmiga ah ay sheegeen inuu xisbiga UDUB ku guulaystay 80 cod, laakiin xisbiga KULMIYE taa gaashaanka ayuu ku dhuftay, wuxuuna ku dacwiyey in la musuqmaasaqay, balse ay iyagu ku guulaysteen doorashadii, waxaase hadda laga war sugayaa maxkamadda sare oo laga sugayo inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo natiijada kama dambaysta.

Top


Wasiirka Difaaca Maraykanka Oo Lagu Rasaaseeyay Gudaha Magaalada Baqdaad; Madaxweynaha Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Dhammaaday Dagaalkii Ciraaq.

Washington (W. Wararka) Madaxweynaha Maraykanka Bush ayaa ku dhawaaqay inuu dhamaaday hawlgalkii Milatari ee ay ka wadeen Ciraaq, waxaanu sidaa ku sheegay khudbad uu xalay ka jeediyey markabka diyaaradaha qaada ee BSS-Abraham Lincoln.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku sheegay in hawlgalkii Ciraaq laga waday uu dhamaaday haatana la bilaabayo sidii dib loogu dhisi lahaa dalkaas, waxaa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in dagaalkaasi ay guushu ku raacday Maraykanka taasina ay ahayd guul weyn oo u soo hoyotay dadka Maraykanka “Shacbiga Ciraaq waxa uu helay xorriyadiisii, waxaanu ka baxay xuurtadii lagu haystay, haatana iyaga ayaa dib u dhisan doona dawladooda”. Ayuu yidhi Madaxweyne Bush.

Balse khudbadiisu waxay ku soo beegantay iyada oo aanay xasilooni taam ahi ka hirgelin dalka Ciraaq, iyada oo uu wasiirka Gaashaandhiga ee Maraykanku shalay dirqi kaga badbaaday markii rasaas ooda lagaga qaaday isaga iyo weftigiisa meel ku dhaw madaarka Baqdaad.

Laakiin lama cadayn cidda ka dambaysay weerarkaa. Iyada oo uu ka badbaaday wasiirka gaashaandhiga ee maraykanku, haatana waxa u bilaabantay booqasho uu ku marayo dalka Afqaanistaan.

Top


150 qof oo ku dhintay dhul-gariir Ku Dhuftay Turkiga.

Istanbul (W.Wararka) - Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhintay, ilaa 300 oo kalena waxa kasoo gaadhay dhaawacyo kadib markii uu dhul-gariir ku Dhuftay gobolka Bangool ee dhinaca bari dalka Turkiga subaxnimadii hore ee shalay. Sida uu sheegay Wasiirka Hawlaha guud ee Turkiga, Zaki Irjisiin, dhul-gariirku waxa uu gobolkaa gaadhsiiyay khasaare ballaadhan, iyadoo ay quwadiisu ahayd 6.4 ee qiyaasta dhul-gariirada iyadoo uu dhul-gariirku dhulka ruxay tiraba 50-jeer.

Sida ay sheegeen suxufiyiin goobtaa ku sugnaa, waxa uu bur-bur laxaad lihi gaadhay guryo iyo dhismayaal aad u badan oo uu ku jiro dugsi ay ku jireen arday gaadhaysa ilaa 200, iyadoo ay suurto-gashay in la badbaadiyo 50 arday, balse ilaa iyo hadda waxa burburka dugsigaa ku xayiran ilaa 135 arday iyadoo dhawaaqa ardaydaa ku hoos jirta burburka laga maqlayo goobaha ku dhow-dhow.

Hawlaha gurmadka ee lagu badbaadinayo dadka uu dhul-gariirku haleelay ayaa markiiba bilaabmay, iyadoo ay ka qaybqaadanayaan kooxo gurmad ah iyo ciidamada qalabka sida ee Turkigu. Ururka Bisha Cas ee dalkaasi ayaana goobtaasi gaadhsiiyay ilaa 5,000 oo Taambuug, waxa kaloo degaankaa lala gaadhay adeegyo kale oo dhinaca gurmadka ah, balse wax gargaar kale ah oo caalamku gaadhsiiyay ilaa hadda lama sheegin.

Top


Rabshado Hadheeyay Xuska Maalinta Shaqaalaha Aduunka

Hargeysa (Haatuf): Xuska maalinta shaqaalaha adduunka oo ku beegnayd maalintii shalay oo ay bisha May ahayd 1, 2003 ayaa waxa hadheeyay rabshado iyo qab-qabasho badan oo ka dhacay Caalamka, meelaha ay rabshaduhu ka dhaceena waxa ka mid ah dalka Turkiga oo ay ciidamada Booliisku qabqabteen 30 qof oo ah dadka u ololeeya Hanti-wadaaga, kuwaasoo isugu soo baxay badhtamaha Istanbul. Caasimdda dalka Indonesia ee Jakarta ayay iyadana mudaharaad ka dhigeen kumanaan kun oo qof oo xusayay maalinta shaqaalaha adduunka.

Dalka Jarmalka, ayuu isagana ka dhacay mudaharaad ballaadhani, gaar ahaana caasimadda Berlin, iyadoo ay isugu soo baxeen dad kumanaan kun gaadhaya oo xusayay maalinta shaqaalaha adduunka, meelaha kale ee rabshaduhu ka dhaceena waxa ka mid ah dalalka Koonfur Afrika iyo Shiinaha, guud ahana xuska maalintaasi wuxuu ahaa mid ay rabshado hadheeyeen.

Top


Weriyaha Jamhuuriya Ee Gabilay Oo La Xidhay.

Gebiley (Haatuf): Weriye ka tirsan Wargeyska Jamhuuriya oo uga soo warama degmada Gebiley C/Raxmaan Nuur (Hiiraan) ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay booliska Gebiley qabteen habeenimadii salaasadu soo galaysay.

Waxaana loo gudbiyey maxkamadda degmadaasi, iyada oo lagu eedeeyey inuu faafiyey war been abuur ah oo lagu baahiyey wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay 25/04/03 kaas oo cinwaankiisu ahaa “Reer Gebiley waxay u dhegtaagayaan go’aanka maxkamadda sare” waxaa kale oo lagu eedeeyey inuu tirintii codadka ee Gabileyna ka been abuuray.

Balse weriyuhu waa uu beeniyey arrintaasi isaga oo sheegay inaanu eedayntaa qabin, isla markaana uu qoray war xaqiiqo ah, waxaanu ku dooday weriyuhu in maayarka degmada Gebiley ka dambeeyo xadhigiisa.

Raaqiya C/laahi Oomaar oo u dooda xuquuqda aadamaha oo arrintaas u joogta Gebiley ayaa su’aalo weydiisay maxkamadda, taas oo keentay in xukunka weriyaha dib loo dhigo balse rumaan ahaan ayaa jeelka loogu gudbiyey.

Top


Odayaal KULMIYE Ah Oo Ku Adkaystay Inaanu Xisbigoodu wadin Nabadgelyo darro Iyo Inuu Ku Guulaystay Doorashada, “Wa Run Oo Weynu Is-Naqaannaa,Nin Walibana…”

Hargeysa (Haatuf): Koox odayaal ah oo ay tiradoodu gaadhaysay ilaa afartameeyo, kana kala socda Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, ayaa shalay Kulan-saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Hargeysa, waxay si adag ugu difaaceen Mabaadi’da Xisbigooda, iyagoo ku celceliyay in aanu xisbigoodu marna wadin wax nabadgelyo-darro ah, isla markaana ay aaminsan yihiin inuu xisbigoodu yahay xisbiga ku guulaystay Doorashadii Madaxtinimada ee dalka ka dhacday.

Qaar ka mid ah Odayaashan oo kulan saxaafadeedkaa ka hadlay, waxay si weyn u daadafeeyeen eeddaymo ay xisbigooda u soo jeediyeen Madaxda Dawladda iyo xisbiga UDUB, taas oo ay ku celceliyeen inuu xisbiga KULMIYE wado dhaqdhaqaaqyo uu ku dhaawacayo xasiloonida, laakiin odayaashani waxay taa ku tilmaameen waxba kama jiraan, iyaga oo sheegay in aanu xisbigoodu wax nabadgelyo-darro ah marna wadin.
Xubnaha halkaa ka hadlay waxa ka mid ah Cismaan X. Jaamac, Keyse Dacar Faarax, Maxamed Cabdi Arabey, Axmed Faarax Diiriye iyo Ibraahim Cismaan Aadan, waxaana hadalladooda ka mid ahaa, “Ninka leh KULMIYE ayaa qallaanqal iyo xabad wada, miyaanu ogayn in ay ragga KULMIYE yihiin kuwii colaadda wax ka taray, nabaddana keenay, markaa maanta ma wadaan nabadgelyo-darro, waayo looma baahna.”

Odayaashu waxay ku dacwiyeen inuu xisbigoodu ku guulaystay doorashadii, waxayna yidhaahdeen; “KULMIYE kalsooni buu ku qabaa inuu doorashadii helay, sidaas darteed caga-juglayn waxba lagagama qaadi karo, isla markaana haddii aanu go’aanka Maxkamadda ku qanci wayno oo uu cadaalad-darro noqdo, sidaa kagama hadhayno ee dunida ayaanu u doonaynaa Maxkamad noo gar-dhaqda, Nimanka Maxkamaddana waxaan leeyahay; haddii aad maanta cadaalad-darro ridaan oo dalka qallaanqal gelisaan, waxay taasi u xumaanaysaa taariikhdiina.”

Odayaashu waxa kale oo ay farta ku fiiqeen Golayaasha Baarlamaanka, gaar ahaan Guurtida oo ay sheegeen in ay muddada iska kordhisteen, taasina ay tahay cadaalad-darro weyn, iyagoo arrimahaa ka hadlayana waxay yidhaahdeen; “Nabadgelyada saldhigeedu waa cadaalad, haddii ay cadaaladdu xumaatana nabadgelyadu way xumaataa, waxaana cadaalad-xumada dhacday kow ka ah Guurtida saddexda sannadood isku kordhisay, laakiin xisbiga KULMIYE marnaba nabadgelyo-xumo loogama baqanayo.”

Odayaasha kulankan ka hadlay waxa kale oo ay xuseen ninka la yidhaahdo Xasan Xaydh oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga UDUB oo maalin dhawayd xisbiga KULMIYE ku eeddeeyay in ay qallaanqal wadaan, waxayna yidhaahdeen; “Xasanow, waxaad tidhi waynu is-naqaan, waa runtaa oo waynu is-naqaan, nin walibana dood iyo dagaal wuxuu ka galay waa la ogyahay.”

Odayaashani, waxay doodooda mar walba duluc uga dhigeen laba qodob oo kala ah: In ay aaminsan yihiin inuu xisbigoodu ku guulaystay doorashadii iyo In aanu wax nabadgelyo-darro ah wadin, wuxuuna kulankoodani ka mid ahaa kulamo iyo doodo is-daba joog ah oo uu xisbiga KULMIYE qabtay toddobaadkii ina dhaafay, taas oo uu uga dan lahaa inuu iskaga difaaco eeddaymaha uga imanaya dhinaca xisbiga UDUB iyo Maamulayaasha dawladda oo ku eeddeeyay in ay qallaanqal iyo nabadgelyo-darro wadaan, iyo sidoo kale iyagoo difaacayay dacwadooda ah in ay ku guulaysteen doorashadii, laakiin la musuq-maasuqay, taas oo ay xisbiga UDUB-na dhinaceeda beeniso, sheegtayna in ay iyagu guulaysteen mar walba.

Top


Berbera Oo Looga Diyaar-Garoobayo Xuska Geeridii Cigaal.

Berbera (Haatuf): Sanadguuraddii 1aad ee geeridii madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Cigaal oo ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika 3-dii May 2002. ayaa ku beegan maalinta sabtida ee fooda inagu soo haysa waxaana magaalada Berbera ka bilaabay diyaar garaw la xidhiidha xuska sanadguuradaa.

Sidaana waxa sheegay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/Raxmaan X. Daahir Casaan, wuxuuna intaa ku daray in duleedka qabrigii marxuum Cigaal lagu xidhay laydh, isla markaana lagu dhisay teendhooyin, iyada oo la sheegay in duco iyo qur’aan lagu xusi doono weriye Casaan wuxuu intaa ku raaciyey inay jiraan gaadiid la saaray sameecado waaweyn oo cajalado qur’aan la geliyey waxaana xuskaa ku hawlan maamulka xuska oo uu gudoomiye u yahay maayarka degmada Berbera Cabdale Maxamed Cali iyo maamulka Gobolka Saaxil. Gudoomiyaha golaha deegaanka ee Saaxil ayaa u sheegay weriyaha in wixii xoolo ah ee ku saabsan xuskaa sadaqad ahaan loo bixin doono jelka iyo cusbitaalka magaaladda.

Top


Goob-Joogayaal Jaaliyadaha Dibadda Ah Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Natiijadii Doorashada Somaliland: “Go’aanka Maxkamadda Laga Sugayaa Meesha Ma Ka Saari Karaa Mugdiga Komishanku Ntiijada Geliyay.”

Hargeysa (Haatuf): Koox ka tirsan Qurba-jooga reer Somaliland oo Goob-joog ka ahaa doorashadii ayaa saluug weyn ka muujiyay natiijadii doorashada, waxaanay farta ku fiiqeen dhaliillo badan oo ay sheegeen in ay la xidhiidhaan arrimaha doorashadaa, sidaasna waxay ku sheegeen shir-jaraa’id oo shalay ku qabteen hudheelka Hargeysa Club, waxaan kooxdaa u hadlay C/raxmaan C/Qaadir oo ka mid ah Jaaliyadda UK, laakiin xubnaha kalena waxa ka mid ah Ibraahim Meecaad oo Jaaliyadda Kanada ah, Siciid Axmed oo Jaaliyadda Maraykanka ah, Xuseen Ibraahim oo Jaaliyadda London ah, Yaasiin Abokor oo Jaaliyadda London ah, C/qadir Maxamed oo Jaaliyadda Kanada ah, Maxamed Yuusuf Liibaan oo Jaaliyadda UK ah, iyo Xuseen Dhimbiil.

Afhayeenka kooxdan u hadlay wuxuu shirkaa jaraa’id ka akhriyay qoraal dheer oo uu tafaasiil kaga bixiyay waxyaalaha ay saluugeen, qoraalkaasina wuxuu u dhignaa sidan:

“Way fiicanaan lahayd haddii aynu nahay reer Somaliland, sida aadamiga kale ee dhiggeenna ah, in aynu isku aragti, faham iyo dareen ka ahaan lahayn wadciga iyo waayaha maalinba waagu inoogu beryo ee nolosha midkeen walba tooska u taabanaya, wadar ahaanna nolosheennu u wada iilanayso, aayaha da’aha innaga dambeeyana mustaqbal aayatiinleh inay helaan iyo nolol tii aynu soo marnay iyo ta aynu ku jirno nolol ka door roonna ay u higsan lahaayeen, taariikh magac iyo maamuus leh ee dalkeenna, dadkiisa iyo dawladnimo raandhiis yeelata iyo isbeddelka ay higsanayaanna ku xidhan tahay jawaab qumman oo u cuntanta mug iyo baaxad su’aalaha maanta inna hor yaalla. Taasi waa waajib uu ka yeelay faral garbaha innaga saaran abuuritaanka Ilaaha innagu wada uumay degaanka dhul ee aan wadaagno oo maso inooga dhigay dhib iyo dheef, horumar iyo dibu dhac hadba wixii qadderku nolosha innagaga keeno iyo nuqsaan iyo naruuro hadba tii ay inoo yeelan karto cawaaqibka ayaankeenna nololeed. Sidaa awgeedna aynu uga qaadanno mawqif mid ah, go’aan mid ah iyo ficil hawlgal mid ah yeelanno oo aynu kaga jawaabayno arrimaha innalasoo gudboonaaday ama aynu u leenahay hab nidaamsan oo jaran jarrooyinkiisa leh cidiba meel u cayiman iyo kaalin gudasho qeexan kaga hawl-gelayso.

Haddaba annagu dadka intayadan halkan ku xaaddirka ahi aannu ka mid nahay, oo ka soconney qurbajoogga reer Somaliland ee kala deggan Yurub, Maraykanka iyo Kanada, oo uga nimid waddammadii aannu degganayn, shaqooyinkayagii uga soo tagnay, si aannu ummaddayada oo aannu mudda ka maqnayn ugala qaybgallo ulana qaybsanno fursadda munaasabadda weyn ee doorashooyinka Madaxtooyada ee taariikhdii waddankeenna markii ugu horreysey ka qabsoontay imika; Si aannu goobjoog ugu ahaannu tajrubadda cusub iyo si aannu aqoon iyo waaya aragnimada caalamka aannu ku noollahay aannu ka barannay dadkii waxyaabaha inooga horreeyey, aannu ugu faa’iidayno dalkayaga iyo shacbigayaga maanta ay bilawga u tahay.

Hase yeeshee, wixii aannu aragnay muddii aanu dalka joogney, iyo sidii ay wax u dhacayeenba fikradihii aannu ka qaadannay waxay nagu abuureen welwel, walaac iyo niyad jab qaadan waa ku caqliga fayow iyo damiirka saalixa ah ee ku iimaan qaba qiimaha xorriyadda iyo xuquuqda aadamiga adduunka manta jira, gaar ahaan, dhinaca habkii tajrubaddaa innagu cusub loo gardaadiyey oo habkii laga rabey ay kala haab yihiin oo cabudhin iyo dhicisayn ku ah- hab maamulkeeedii iyo nidaamkeedii oo nagu dhalisay inaannu annagu jawaabtayada kaga bixinno kulankan aynu hadda u fadhino, wixii aannu ka marag ahayn ee aannu indhayaga ku aragnay intii doorashadu socotey iyo dabadeed.

Waxaa la is weydiinayaan waxyaabihii ka xumaaday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee 14 April 2003, oo murug iyo madmadow fara badan iyo waxyaabo aan ahayn dhacaan oo qaadan waa ahi hadheeyeen. Waxaa xusid mudan heshiisyadii ay wada gaadheen ururradii lixda ahaa, mucaarid iyo muxaafidba ka hor doorshooyinkii deegaanka layskuna raacay inaanay dhici Karin doorsho xaq iyo xorba ahi haddii aan la fulin qodobbada hoos qoran ……Waxaa nasiib darro waxa ummaddeenna ka hortaagan in distuurka qaran iyo qawaaniinta u qoran la raaco oo sideeda loo fuliyo. Haddii ay dhacdo in la jebiyo ama lagu xadgudbo in cidda ku xadgudubta loo ciqaabo oo khaladka uu geystey la saxo ummadda lehna laga raalli geliyo miyey dumeysaa Somaliland mise cirkaa innagu soo dhacaya.

Haddaba waxaa la yaab iyo af-kala-qaad nagu noqotay sida badheedhka ah ee aan qarsoodiga ahayn ee ay dawladdu u istcimaalaysay ama ay ugu tagrifalaysay hantida qaranka ka dhaxaysa een cidina kaga daba hadlayn, haddii laga hadlana aan loo qiimaynan. Miyaan la garanayn inay ceeb iyo cambaar ku tahay dawladnimadaba, shacbigana dalacsi ku tahay. Ficilladani miyaanay qaranka lafa jab ku ahayn, Sida:-
Masuuliyiinta dawladdu waxaay si aan xad lahayn u isticmaalayeen gaadiidka dawladda. Tusaale ahaan, Waxyaabaha la yaabka lahaa waxaa ka mid ahaa Wasiirada qaarkood oo adeegsanayeen ambalaasyadii cusbitaallada beesha caalamku ugu deeqday iyagoo ololihii doorashada ee UDUB ugu ololaynayey, Taasi miyaanay khatar gelinayn dadka nafahooda loogu talagalay in lagu badbaadiyo sida ummulihi iyo xaaladaha gurmadka degdegga ah ee aan saacad sugi Karin oo gaadiidkii gurmadka loogu geli lahaa dano gaar loo adeegsanayey, sida gaadhigii Hayaddii IRC ay ugu deeqday Cusbitaalka Burco. Dhinaca kalena waxaa ay wasiiradu ku kaambayn garaynayeen gaadiidkii ay bixiyeen hay’adaha Qarammada Midoobey sida ILO ay ugu tabaruceen Hay’adda Waddooyinka Somaliland, Gaadhiga UNICEF ugu deeqday Wasaaradda Waxbarashada iyo kuwii dawladda ee adeegga guud ee dadweynaha loogu talo galay. Maxaa se mamnuucay in la daba galo oo lala xisaabtamo. Maxaa looga aammusay, taasi waa ansixin iyo xalaalayn.

Waxa mudan xusid iyadoo xafiisyadii iyo guryihii dawladda ee adeeg guud oo ummada u dhex ah u furnaa laga yeelay baro Xisbiga UDUB looga ololeeyo oo furan ciddii la jirta ciddii aan dhinaciisa ku faylinna ka xarriman.

Waxaa iyana keentay amakaag lacagta loo soo daabacay ee sida xad dhaafka ah loogu isticmaalayay kaambaynkii doorashada looguna iibsanaayey codka shacabkii lahaa si sharci darro iyo xaq darroba ah iyadoo adeeg guud iyo qabyooyin tiro belay oo wax lagaga qaban lahaa u baahan yihiin. Lacagtaas oo soo daabiciddeedii iyo imaatinkeedii toonna aanay ansixinin hay’adihii loogu talo galay markii ay ogaadeenna kuwii ay mas’uuliyaddooda ahayd ka aammusan yihiin ilaa maanta Miyaanayse ahayn oggolaansho ay siiyeen? Miyaanay shacbigii xilkaa u egmaday inu arkayo aanay ogeyn? Mise waxbaan layskaga tirinayn?. Lacagtaasi waxyeello iyo dhaawacyo aad u ballaadhan ayay dalka soo gaadhsiisay dhinac kastoo ay noqotaba. Tusaale ahaan:
Lacagtaasi waxa ay sadhaysay doorashadii oo ay ka dhigaysaa mid aan xalaal ahayn loona sinnayn oo xisbi qudhihi kelidii isticmaalayey, si fool xunna ugu fatihiyey saaxaddii doorashada oo jawigeedii asqaysey.
Waxaa kale oo ay sicir barar baaxad leh ku samaysan badeecadda ayna saameyn xun ku yeelatay nolol maalmeedka oo dhan qof waliba xilli uu dareemoba iyada oo doollarkii adduunka qiimihiisu hoos uga dhacay innakana maalin qudha circa isku shareeray isaga oo ay ku siyaaddey laba kun ku dhowaad.

Waxay dad badani ogsoon yihiin inaan shaqaale dawladeed oo badani, sida ciidamada qalabka, aanu qaadanin haba yaraatee wax mushahar ah muddo dhawr bilood ah iyadoo Lacag dhawr sannadood mushaharkooda ka badan lagu bixiyey ololihii doorashada maalmo yar gudahood. Nasiib darro iyagoo awalba aan qaadan jirin mushahar ku filan iyo wax u dhow toona, ayaanay helin xataa intii yarayd ee loo qoray muddo dhowr bilood ah, taasoo gashay jeebab dad aan xaq ul ahayn oo aan shaqaysan geedna uga soo wareegin oo keliya waxa ay ku mutaysteen taageerada UDUB tahay iyo iyada oo dawladdu kalsoonida shicibka ka rajo go’day ee keliya miciinsatay inay lacagtaa kaga iibsanaysey halka kii xaqa u lahaa ee u dhidideyna ka bakhtiyaayo. Sidaa in la yeelo ma qaanuunkaa fasaxaya Somaliland?

Warbaahinta qaranka ayaa iyana si gaar ah loo isticmaalaa oo ku hadasha afka dawladda ama dabcan xisbiga UDUB oo ay isku Milan yihiin.
Taasoo ku xusuusinaysaa nidaamyadii keli talisnimada oo aduunkuba ka soo gudbay, khatarna ku ah geedi socodka iyo dimoqraadiyadda xorta ah ee soomaaliland higsanayso. Haddii qaanuunku dhigayo in xisbiyadu u sinnaadaan qalabka warbaahin sida xeerku dhigayo, maxaa mid uun fursad ugu helay?

Haddaba marka aynu eegno qodobbadan kor ku xusan ayaa waxaa dad bani isweydiinayaan sababta komishinka doorashooyinku uu isaga hortaagi waayey xisbiga UDUB ka qayb qaadashada doorashada ee ay uga indha qarsadeen fadeexadda iyo falalka dimuqraadi-diidka ah ee ay badheedhka ugu kacayaan hortooda ee qaanuunka ka baxsan. Maadaama ay jebiyeen una hoggaansami waayeen shuruudihii la isla gaadhay, ku tagrifalayaan hantidii ummadda iyo lacagteedii qabyada u baahan in lagu fuliyaa ciidda ka badan tahay.

Waxaa kale oo amakaag keentay fara gelintii dawladdu ku samaysay tirintii codadka. Iyagoo adeegsaday labada shir-guddoon ee Golayaasha Baarlamaanka iyo Guurtida, marka la iska dhaafo awoodoodii dawladnimo oo ay si buuxda u adeegsanayeen ka hor iyo ka diba doorshada.

Taasoo aynu wada ognahay inay khal khal iyo khatarba gelisay natiijadii. Qaanuunka Somaliland ma wax into la qoro la tuuraa? Miyaanu shaqayn?

Waxaa iyana fajiciso ku noqotay dad badan mamnuucista muddaaharaadyada oo ay dad badani doonayeen inay ku muujiyaan dareenkooda si nabad gelyo ah. Taasoo micneheedu yahay xuquuqdii muwaadinka oo la dafiray iyo xorriyaddoodii oo la af-duubay, karaamadoodii oo meel lagaga dhacay iyo geeddi-socodkii dimuqraaddiyadda oo la cabbudhiyey.

Halka iyana dad fara badan oo loo geystay hagar daamo iyo ciqaabo kala duduwani ay jiraan. Sida xabsi sharci darro ah, jidh dil, caga-jugleyn iyo falal argagixiso leh iyadoo loo aaneeyey taageere Kulmiye qaarna billadda Kulmiye fur bileysku ku fara saaray oo ahayd sababtii ka dambaysey dadkii lagu rasaaseeyey Gobolka agtiisa Taasoo ku salaysnayd xisbiga Kulmiyey raacsan yihiin ama cabbirka fekraddooda ay xaqa aan la doodsiyi karin ay u leeyihiin.

Waxaa kaloo isweydiin leh xisbiga UDUB oo yidhi waxaanu ku qanacnay natiijadii guddiga komishinka doorashada oo annagaa helney doorashadii meel walba ka leh, ayay haddana maxkamadda sare ku xareeyeen dacwad ay leeyihiin hanaloo furo sanaaduuq ay hore ula saxeexeen komishinka iyo ururrada kaleba in la kansallo. Haddaba habka UDUB u dhigtay dacwaddaas iyo sifaha ay u isticmaashay ayaa ah mid u muuqata mid dadka lagu rimanaayo afkaar qaldan oo hor-dhac u ah carqalad dambe oo ay ku doc ka wareemaan natiijada doorashada. Iyadoo la adeegsanaayo reero lagu buuxiyey codkiiniibaa la dafiray, taasoo ujeeddada ay ka leeyihiin tahay dhibaato abuuris khatar ku ah dimoqraaddiyadda aynu higsanayney dibna inoogu celinaysa habkii aynu ka soo gudubnay ee reer reerka. Waxa wax laga yakhyakhsoodo ah iyadoo kuwii shacbigaa xalaasha u dhiibtey codadkooda candadawley ee sababay in la kansalgareeyo ay weliba iska dhigayaan kuwo codkii shacbiga u hiilinaya. Iyadoo loo kansal gareeyey sanaaduuqdan ka dib markii ay caddaatay in UDUB ku shubatay ayaa doodda UDUB ee ku saabsan sanaaduuqdan ay sii caddeeynaysaa ku shubashada lagu eedeeyey. Tusaale ahaan:

Maxay UDUB ku ogaatay in codadka sanduuqa ku jiraa udub u codeeyeen.
Markay adeegsanayaan beel ay leeyihiin codkiiniibii la dafiray maxaa lagu caddeynayaa in codadka sanaaduuqdaa ku jiraa ay wada yihiin beesha ay Udub adeegsanayso maadaama sanaaduuqdani yaalleen goobo ah meelo ay beelo kala duwani deggan yihiin oo uga wada codeeynayeen axsaabta.

Maxay ku ogaadeen tirada codadka ku jira sanaaduuqda aan Komishankuba furin inay iyagu leeyihiin haddii aanay iyagu gaar ugu shuban oo marag muujin u ah sababtii Komishanku ku hor joogsaday in la tiriyo.
Ugu dambeyn waxaa beryahan dambe soo shaac baxay in maxkamaddii sare ee loo gudbiyey cabatinkii iyo ansixinta natiijadii doorashada ay dawladdu haatan saartay culays laxaad leh oo ah fara gelin sharci darro ah, taasoo u muuqata inay maxkamaddu riddo go’aanka UDUB rabto, sida Wasiirka Arrimaha Guduhuba uu ku sheegay jariirada HAATUF ee soo baxday 29kii Abril 2003 tirsigeeda.321 vol 1 Taasoo uu caddeeyey Wasiirku “in Maxkamaddu ku dhawaaqayso go’aankii komishinku soo saaray, xisbiga Kulmiyena uu ku imaansado uguna hambalyeeyo xisbiga UDUB” sidii oo uu isagu yahay Xaakimkii laga sugayey go’aanka, ama af hayeen maxkamaddu egmatay. Sidaasi awgeed ayaa dad badan oo reer Soomaaliland ahi gudo iyo debedba is weydiinayaan maxkamadda dastuuriga ah ee go,aankeeduna kama dambaysta yahay inay saamayn lixaad lehna ku yeelan doono maajooratiga shacabka reer soomaaliland mid caddaali ah ma noqon doonaa.. Waxaa xusid mudan muhiimadda go,aankaas leeyahay in uu noqdo mid u dhaca si caddaalad iyo xaqa waafaqsan. Badbaadina kara jiritaanka nabad gelyada soomaaliland sees adagna u noqon doona raadqaadka dimuqraaddiyadda iyo hana qaadkeedaba.
Iyadoo dad badani eedeeynayaan go'aankii ku dhawaaqista natiijada doorashada ee gudiga komishinka oo ay u arkaan mid aan sax ahayn, fara gelin wax ka beddelisba lagu sameeyay ayna dad badan oo aqoon yahanka reer soomaaliland ah iyo kuwo ahaa goob joogayaashii caalamiga ahaaba ay ugu muuqatay in komishinku aad u jilicsanaayeen, awooddoodii dastuuriga ahaydna aanay isticmaalin, kalsoonidii shacbigu xilkaa qarada weyn ugu egmadeyna ay meel kaga dheceen maadaama ay oggolaadeen caddaadiskii iyo fara gelintii labada shir guddoon iyo dawladaba kaga imanaayey, maa daama ay aqbaleen xadgudubyada iyo tagrifalka xeerku xaaraantimeeyey ee UDUB iyo Xukuummadda isku milmay ay hortooda ka samaynayey, aanay jawaab waafi ah ka bixinnin cabashooyinkii axsaabta ee aflagaaddooyin iyo hanjabad ugu jawaabeen xisbigii cabashada uu xaqa u leeyahay soo hordhigey ee meel kale isku taaray sida waa nala maagay oo waxbaaannu iska celinaynaa iyagoo khalad iyo sax waxay tahay cabashadu ka jawaabin oo shacbiga u bandhigin sharcigii loogu egmaday xilkaa gacantooda ku qaatay oo natiijadii qaldanaybaannu maxkamadda u gudbinaynaa ku adkaysanaya ayagoo xisbigii iyo ummadda midna garawshiinyo marin. Hadaba waxaa aad u muhiim ah inaanay maxkamadda sare u debcin caddaadiskaas iyo fara gelinta noocaas ah sida komishinka oo fahmaana awooddooda dastuuriga ee go,aankeedu kama dambeysta yahay.

Maanta somaliland waxay u baahan geesi caddaali ah oo go'aan adag oo kala soo baxa ragganimadan meesha cidhiidhyoon ku jirta. Go'aankaas oo cawaaqibkiisa ay mas’uul ka yihiin. Go’aanka Maxkamadda waxa looga baahan yahay inuu ahaado mid mugdigii Komishanku Natiijadii doorashada uu geliyey ka saari kara ama sii madoobayn kara, mid jarkii Komishanku kusoo ooday ummadda kusii tukhaantukhin kara ama ka soo qaban kara, kii uu noqdana waa looga fadhiyaa.

Top


Maraykanka Oo ka Digay Weeraro Cusub Oo Al-Qaacida Ah.

Washington (W.Wararka) - Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa ka digtay suurto-galnimada weeraro cusub oo ay geystaan ururada Al-qaacida ee uu hoggaamiyo Usaama bin Laden iyo ururka Daalibaan ee ka talin jiray dalka Afqaanistaan. Waxaanay sidaa ku sheegtay wasaaraddu warbixin sannadeed ay soo saartay oo ay u bixisay Argagixisada caalamiga ah, waxaanay warbixintu xustay weeraro cusub oo dhaca inay suurto-gal yihiin waqtiyada inaggu soo socda, gaar ahaana waxay ka digtay dalalka bariga Aasiya oo ay sheegtay in dadka la qabtay ee ka tirsanaa Al-qaacida ay ahaayeen kuwo ku hawlanaa diyaarinta weeraro cusub oo ay geystaan, balse warbixintu may xusin meelaha laga yaabo inay ka dhacaan weeraradaasi. Balse soo bixitaanka warbixintani wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay Dawladda Pakistan sheegtay inay qabqabatay lix xubnood oo ka tirsanaa Al-qaacida iyo iyadoo Dawladda Maraykanku sal-dhigyadeedii miletari ka rartay dalka Sucuudiga.

Top


Madaxweynaha cusub ee Burundi.

Bujumbura (W.wararka) - Madaxweyne cusub oo uu yeelanayo dalka Burundi ayaa maalintii Arbacadii lagu dhaariyay xaflad ballaadhan oo ka dhacday caasimadda dalkaasi oo ay ka qaybgaleen madax ka tirsan Afrika.

Madaxweynaha cusub, Domisiyaan Nadaayisi oo kasoo jeeda qoomiyadda laga tirada badan yahay ee Huutuuga waxa uu beddelayaa madaxweynihii hore Piyer Payoya oo kasoo jeeday qoomiyadda Tuudsiga taasoo qayb ka ah heshiis Xukunka lagu qaybsanayo oo ay isla gaadheen labada qaybood bishii August ee sannadkii 2000, si loo soo af-jaro rabshado iyo dagaalo dalka ka taagnaa dhawrkii sannadood ee u dambeeyay.

Khudbad uu munaasibaddaa ka jeediyay waxa uu Madaxweynaha cusubi ku ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono rabshadaha iyo dagaaladda dalka ka taagan iyo inuu ixtiraami doono xuquuqda banii’aadamka.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA: ASMAA BINTU ABII-BAKAR.

Saxaabiyadda aan markan sheekadeeda qaadanayno waa gabadhii loo dhammaystiray sharafta iyo wanaagga. Aabaheed waa Saxaabi, awoowgeed waa saxaabi, walaasheed iyaduna waa saxaabiyad, ninka qaba isna waa saxaabi, wiilka ay dhashayna waa saxaabi. Intaas oo keliya ayaa ammaan iyo sharaf ugu filan. Aabaheed waa saxaabi, waana saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubar As-siddiiq ee ahaa saaxiibkii Rasuulka (scw), dhinaca kalena ahaa khaliifkii Rasuulka dhimashadiisa kadib.

Awoowgeed waa saxaabi oo waxaa la odhan jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii Abuubakar (rc). Gabadha ay walaalaha ay ahaayeena iyaduna waa saxaabiyad, waxaana magaceeda la yidhaahdaa Caa’isha ahaydna hooyadii mu’miniinta. Ninkeeda isna waa saxaabi, waxaana la odhan jiray Zubeyr Binu Al-Cawwaam, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii inta badan u gargaari jirtay Rasuulka (scw). Wiilka ay dhashayna waa saxaabi, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Zubeyr dhammaantood waxay ahaayeen wada saxaabo, Ilaahna ha ka raalli noqdo. Si kooban haddaan u idhaahdo gabadhaas aan xusnay magaceeda waa Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ka mid ahayd asxaabtii kulansatay astaamahaas wanaagsan ee ah in qoyska ay ka dhalatay ay dhammaantood ahaayeen muslimiin/saxaabo, halka saxaabada kale ayna qoysaskooda sidaasoo kale ahayn oo ay ku jireen kuwo aanan muslimiin ahayn.

Mar hore ayey islaamtay, Nebigana (scw) wuu u duceeyay:

Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay, waxaa iyada horteed soo islaamay oo keliya 17 qof oo isugu jira rag & dumar. Asmaa Bintu Abii-bakar waxaa lagu naanaysi jiray ”Bidaati Al-nidaaqayn” taasoo loola jeedo tii labada suunka lahayd ama tii labada maralayda ahayd, sababta loogu magac darayna waxay ahayd, iyadoo u samaysay Rasuulka (scw) iyo aabaheed Abuu-bakar sahay ama saad maalintii ay u haajirayeen magaallada Madiina. Waxay u diyaarisay sibraar, markii ay heli wayday wax ay ku xidho ayaa waxay jeexday suunkeeda (wax ay dumarka dhexda ku adkeysan jirayn) iyadoo labo u kala jeexday, dabadeedna waxay mid ka ah labadii maro ee ay jeexday ku xidhay kiishka ama qariiraddii sahayda ku jirtay, tii kalena waxay ku xidhay sibraarta.

Nebiga (scw) ayaa markii uu arkay waxa ay Asmaa sameysay ugu duceeyay inuu Ilaah ugu beddelo labo suun Jannada dhexdeeda. Sidaa darteed wixii maalintaas ka danbeeyay waxaa Asmaa lagu naanaysi jiray gabadhii labada suunleyda/ maralayda ahayd.

Waxay ninkeeda u ahayd tusaale wanaagsan:

Asmaa Bintu Abii Bakar waxaa guursaday Zebyr Binu Al-Cawwaam, xilligaasna wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan hanti lahayn.

Ma lahayn adeege u shaqeeya, sidoo kalena ma haysan hanti uu ku quudiyo caruurtiisa aan ka ahayn faras uu dhaqan jiray. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Zubeyr u ahayd xaas wanaagsan, way u adeegi jirtay, faraskiisana way u daryeeli jirtay, laf-timireedka ayey faraska u tumi jirtay, dabadeedna u calfin jirtay, ilaa maalintii danbe uu Ilaah hanti ka siiyo, wuxuuna Zubeyr ka mid noqday asxaabta kuwooda ugu hantida badan.

Waxay dhashay saxaabigii ugu horeeyay ee dhasha sannadka hijriga kadib:

Asmaa Bintu Abii-bakar markii ay u suurto gashay inay u haajirto/guurto magaallada Madiina iyadoo diinteeda la cararayso, ayaa waxay iyadoo safarka ku jirta umushay/dhashay Cabdullaahi Binu Zebeyr. Dhibaatada uu watay safarkan dheer kama aanu reebin inay gudato dacwada diinta Islaamka. Markii ay Asmaa timid xaafadda Qubaa ayaa waxay dhashay Cabdullaahi, muslimiintii oo dhan ayaa hal mar takbiirsaday (yidhi Allahu Akbar), maxaa yeelay Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabigii ugu horeeyay ee ku dhasha magaallada Madiina isagoo muhaajir ah.

Waxaa jiray dacaayado ka imaanayay munaafiqiinta iyo Yahuudda, iyagoo isla dhex marayay inay muhaajiriintii ay dabar go’een, marka sidaas darteed ayey u farxeen oo u takbiirsadeen markii ay Asmaa dhashay Cabdullaahi, waxayna ahayd xilligaas billowgii sannadka hijriyada.

Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Cabdullaahi u gaysay Rasuulka (scw), iyadoo saartayna dhabtiisa. Wuxuu Rasuulka (scw) qaaday qaar ka mid candhuuftiisa, ka dibna wuxuu galiyey afkii Cabdullaahi binu Zubeyr, isagoo markaas u anqariyay (waxa ugu horeeya ee ilmaha afkiisa gala) una duceeyay. Wixii ugu horeeyay ee gala laabta Cabdullaahi Binu Zubeyr waxay ahaayeen candhuuftii Rasuulka.

Asmaa waxaa looga tusaalo qaataa deeqsinimada:

Asmaa Bintu Abii-bakar waxay kulansatay astaamaha kheyrka iyo gobonnimada iyo caqli aad u qoto dheer, taasoo ay dadka ku yar tahay inay la yimaadaan astaamahaas. Dhinaca deeqsiga Asmaa waa looga tusaale qaadan jiray. Wiilkeeda Cabdullaahi ayaa isagoo arrinkaa ka sheekeenaya wuxuu yidhi: ”ma aanan arag labo haween oo ka deeqsinimo badan habaryartay Caa’isha iyo hooyaday Asmaa, hase ahaatee qaabka deeqsimadooda way ku kala duwanaayeen. Haddaan ka hadlo deeqsinimada habaryartay Caa’isha iyadu waxayba ahayd tii shayga u gaysa shayga kale ilaa uu wixii ka bato, markaas ka dib ayaa maalkii waxay u qaybin jirtay masaakiinta. Laakiin, hooyaday iyadu waxna maba u keydsan jirin maalinta kale”.

Waxaa intaas Asmaa u sii dheereed iyadoo ay caqli badnayd, waxayna wanaajin jirtay go’aamada mararka ay xaaladdu qadhaadhaato. Maalintii uu aabaheed Abii-bakar hijroonayay isagoo la socda Rasuulka, ayaa wuxuu Abuu-bakar hore u sii qaatay hantidiisa oo idil, waxayna gaadhaysay 6000 oo dirham, ilmihiisa wax maal ah ma aanu uga tegin.

Markii uu ogaaday Abuubakar aabihiis oo xilligaas mushrik ahaa ayaa wuxuu u yimid Asmaa isagoo ku yidhi, wallaahi waxaan arkaa inuu aabihiin musiibo idinkaga riday hantidiisa, kadib markii uu musiibo geliyay naftiisa.

Asmaa ayaa waxay ku tidhi, awoowe, aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan, dabadeedna waxay qaadday dhagaxyo quruurux ah oo ay ku ridday meel daaqad oo kale ahayd oo ay ku ridan jirayn lacagaha, waxayna ku duuduubtay maro. Waxay qabatay awoowgeed (wuxuu ahaa indhoole) iyadoo ku tidhi, bal kaaley arag inta uu aabe maal nooga tagay. Gacantiisa ayuu inta meeshii geliyay ayaa wuxuu yidhi, wax dhib ah maleh, haddiiba waxan oo idil idinkaga tagay aabihiin wuu wanaajiyay.

Waxay Asmaa sidaas u samaynaysay, bal inuu odayga xanaaqin iyo inaynan maalka Abuubakar waxna ka siinin. Dhinaca kale, waxay Asmaa necbayd in qof mushrik ah uu ku sheegto abaal, waloow uu qofkaas noqdo awoowgeed.
Marnaba taariikhdu ma illoobi karto mawaaqiftii geesinimo ee Asmaa.

Taariikhdu haddii ay illowdo mawaaqiftii Asmaa oo idil, lagama yaabo in la illoobo caqli hufnaantii ay Asmaa lahayd, go’aankeedii adkaa iyo weliba iimaankeedii xoogga badnaa maalintii ay la kulmaysay wiilkeedii Cabdullaahi kulankeedii ugu danbeeyay. Taasina waxay ahayd markii wiilkeeda Cabdullaahi loo doortay khilaafada, ka dib dhimashadii Yaziid Binu Mucaawiya, ayna isaga u hoggaansantay dhammaan dhulka Xijaaz, Masar, Ciraaq, Khuraasaan iyo dhammaan magaalooyinka Shaam.

Hase ahaatee, reer Banii Ummayya iyagu waxay wadeen inay diyaariyaan ciidan laxaad leh oo la dagaallama ciidanka Cabdullaahi, ciidankaasoo uu hoggaaminayo Xajjaaj Binu Yusuf Azzaqafi. Labadii Ciidan waxaa dhex maray dagaallo ba’an. Hase ahaatee, ciidamadii Cabdullaahi ayaa waxay bilaabeen inay in-yar in-yar dib ugu gurtaan, wuxuuna markii danbe ku cararay Kacbada, isagoo isaga iyo intii la socotayba ay magan galeen Kacbadii sharafta badnayd.

Dardaarankii Asmaa ee wiilkeeda Cabdullaahi:

Kahor dilkii Cabdullaahi saacado kahor ayaa wuxuu Cabdullaahi u soo galay hooyadiis Asmaa - waxay ahayd qof waayeel ah oo weliba indhoole ah- wuxuuna ku yidhi: ”Assalaamu caleyki waraxmatullaahi wabarakaatuhu hooyo”. Waxay ku tidhi: ”Wacaleyka-Salaam Cabdullaahi…., maxaa saacaddan ku keenay, iyadoo dhagaxyadii ay tuurayeen laan-cigaaleedkii (nooc ka mid ah qalabyadii dagaalka ee waagaas) Xajjaaj ee ay ku tuurayeen ciidamadaada ay gilgilayaan guryaha magaalooyinka Makka gilgilid!. Cabdullaahi wuxuu yidhi, waxaan u imid inaan kula tashado. Asmaa waxay tidhi, waad ila tashanaysaa!! Maxaad igala tashanaysaa?
Wuxuu yidhi, dadkii way i hoojiyeen wayna iga tageen iyagoo ka cabsanaya Xajjaaj, rajeynayana waxa agtiisa yaala, xittaa caruurtayda iyo ehelkayga way iga tageen, dad aad u yar oo ka mid ah raggayga ayaa isugu soo hadhay, kuwaasina inkasta oo ay sabraan, haddana ma sabri karaan wax ka badan saacad ama labo saacadood. Ergadii reer Banii Ummayya waxay igala hadlayaan inay i siiyaan wixii aan doonayo oo adduunyo ah, waana kaddib markii aan is dhiibo oo aan ballan la galo Cabdilmalik Binu Marwaan ee maxaad hooyo arrintaas ka leedahay?

Asmaa codkeedii ayaa kor noqday, waxayna Cabdullaahi ku tidhi: “Arrintan adiga ayey kuu taalaa Cabdullaahiyow, adiga ayaana naftaada og. Haddii aad aaminsan tahay inaad xaq ku sugan tahay, aadna dadka ugu yeedhaysid xaq, dulqaado oo adkeyso sidii ay asxaabtaaduba u adkeysteen kuwaasoo ku dhintay dagaalka, haddiise aad raadinayso adduunyo ogow inaad tahay addoon kan ugu xun: naftaada ayaad halaagtay, ciidankaagana waad halaagtay. Dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad is dhiibtid."

Cabdullaahi ayaa hooyadii ku yidhi: "Haddaba, waxaan shakki ku jirin inaan dhimanayo maanta”. Asmaa waxay tidhi: dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad naftaada u dhiibto Xajjaaj adigoo mukhtaar ah, markaasna ay madaxaaga ku cayaaraan ilmaha reer Banii Ummayya. Wuxuu yidhi: laakiin kama cabsanayo dhimmasho, waxaan ka cabsanayaa inay i jar-jaraan ka dib markay i dilaan. Asmaa waxay tidhi: dhimmashada ka dib ma ahan wax uu qofku ka cabsado, laxda la gawracay ma xanuujiso maqaar-siibka.

Waxaa farax darteed iftiintay wejiga Cabdullaahi, wuxuuna yidhi, Allaha ku barakeeyo hooyo, annigu kuuguma iman saacaddan hadda ah illaa inaan kaa maqlo wixii aan hadda kaa maqlay. Ilaah wuxuu og yahay inaan maalinna tabar daroonin oo daciifin, Ilaah markhaati ayuu ka yahay in wixii aan sameeyay aanan u sameyn annigoo doonaya adduunyo iyo dhal-dhalaalkeeda, laakiin waxaan u halgamay markhaati Alle dartii ah, hooyo, waa ikan annigoo ku socda wixii aad jeclayd, haddii la i dilo ha iga walbahaarin amarkaagana u dhiib Ilaah. Asmaa waxay tidhi, waxaan walbahaari lahaa markii aad si xaq-darro ah aad ku dhimmatid.

Cabdullaahi wuxuu yidhi, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga aanu weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah, waxaad kaloo ku kalsoonaataa inaanu wiilkaaga aanu weligiis samaynin wax faaxisho/sino ah, sidoo kalena mana aanu ku jowr falin xukunka Alle, mana khiyaanin wax lagu amaanaystay mana u kasin dulmi qof muslim ah, mana jiraan wax uu ka door bidaayo raalli ahaanshaha Eebbe (sw). Uma lihi sidaas inaan naftayda ammaano, Ilaah ayaa naftayda iga og, waxaan u odhan ayaa hadalladaas inaan qalbigaaga geliyo sabirsiin iyo xasilooni.

Asmaa waxay tidhi, Waxaa mahad leh Allihii kaa yeelay waxa uu jecel yahay waxa aan jeclahay, ii soo dhawoow wiilkaygiyoow si aan u ursado udgoonkaaga una taabtana jirkaaga waxaa dhici karta in kulankan uu noqdo kulankii ugu danbeeyay ee aan ku arko. Cabdullaahi ayaa ku soo foorarsaday hooyadiis isagoo dhunkanaya, iyaduna sankeeda ayaa waxay u dhoweysay madaxiisa iyo wejigiisa iyo dhuuntiisa iyadoo ursanaysa dhunkanaysana, labadayda gacmood ayaa waxay ku taabatay jidhkiisa, ka dibna si dhaqsi leh ayey gacmaheedi dib ugu soo celisay, iyadoo Cabdullaahi ku leh: Waa maxay waxa aad gashan tahay Cabdullaahi?

Wuxuu yidhi, waa dirac bireedkayga (qalab la isaga difaaco seefaha iwm). Waxay tidhi, wiilkaygiyoow waxa aad gashatay ma ahan wax uu qaato qof doonayo shahaado/shahiidnimo. Cabdullaahi wuxuu yidhi, waxaan u gashtay inaan qalbigaaga dejiyo oo aadan iga nixin. Asmaa waxay tidhi, wiilkaygiyoow iska siib, sidaas ayaa geesinimadaada ugu wanaagsan, xagga bootintana ku xoog badan, dhinaca socodkana ku fudud, sidaa darteed waxaad booskeeda gashataa saraawiil dhaadheer, si markii lagu dilo ayna cawradaada u feedmin.

Ducadii Asmaa ee wiilkeeda:

Cabdullaahi wuxuu siibay dirac bireedkiisii, wuxuuna isku adkeeyay saraawiishii uu xidhnaa, isagoo ku dhaqaajiyay dhinaca Kacbada si uu u sii wado dagaalka, isagoo hooyadiis ku leh: ”hooyo, ha ka noogin ducadaada aad ii ducaynaysid”. Asmaa waxay sare u qaadday labadeeda gacmood iyadoo leh: Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso istaagiisii salaadaha ee dhererka badnaa iyo oohintiisii darnayd ee uu ooyayey mugdiyada habeenka iyadoo ay dadka hurdaan. Ilaahayow Cabdullahi ugu naxariiso gaajadiisii iyo haraadkiisii isagoo dhex jooga kuleylka daran ee magaallada Makka & Madiina isagoo weliba sooman.

Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso baarinimadiisa uu u baari falayay aabihiis iyo hooyadiis. Ilaahayow waxaan isaga u dhiibay amarkaaga, waxaana ku raalli noqdo xukunkaaga, Ilaahayow waxaad Cabdullaahi iiga abaal marisaa abaalmarka ay leeyihiin dadka sabirka badan (kuwaasna wuxuu Ilaah qur’aanka ku sheegay in abaalmarkoodu yahay xisaab la’aan).

Qoraxda maalintaas ma ayna dhicin illaa Cabdullaahi Binu Zubeyr wuxuu ahaa mid haleelay dhowaanshaha Rabbigiisa sare, wuxuuna ku shahiiday dagaalka. Dhimmashadii Cabdullaahi markay ka soo wareegtay dhowr iyo toban maalmood ayaa waxaa haddana geeriyootay Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ahayd boqol jir, iyadoo aanan ka dhicin ilig iyo goos midna, caqligeedana uu tamaam yahay.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Shacabi Fiican Waynu Haynaa,Illaahow Madax Fiican!!!

Maanta Shabka Somaliland uma baahna inay nabad-galyadooda ay ku gor-gortamaan rag iyagu isu muuqda ama kursi umadda ka dhaxeeya kala riixanaya. Looma baahna dacaayadaha raqiiska ah ee laga dhex-abuurayo bulshada iyo taageerayaasha xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, kuwaasoo ah shacab gutay waajibaadkoodii.

Sida ay siyaasiyiintu haatan wadaan markaad eegto war-saxaafadeedka ayaa keeni kara is-maandhaaf iyo khilaaf nabad-gelyo darro oo aan dani inoogu jirin. Waxa la isku hayaa maanta waa kursiga iiga kac iyo kici maayo oo anaa helay.

Nabad-gelyada waxa saldhig u ah shacbiga Somaliland, kuwaas oo qabtay tii shicibka iyo tii dawladdaba, markaa waxaan leenahay inaad kursi isu haysaan nin waliba wuu ogyahay ee waxba nabadgelyada shacabka ha ku meeraysanina.

Annagu haddaanu nahay shacbiga Somaliland ciddii kursiga sifo sharci ah ku hesha waanu la shaqayn doonaa waananu la xisaabtami doonaa, balse looma baahna kooxaysi xisbiyaysan iyo dareenka dadweynaha oo hadba koox lagu jeediyo.

Xisbiga talada dalka ku guulaystay waxa looga fadhiyaa inuu dalka iyo dadkiisa wax u qabto oo aanay noqon dawlad keli-talis ah oo shacabkeeda dib u gumaysata sidii dawladdii Af-weyne oo kale.

Waa inay noqotaa dawlad la dagaalanta musuqa iyo maamul-xumada waddanka ku baahday. Waa inay noqotaa dawlad qaddarisa horumarka iyo daryeelka danyarta tabaalaysan ee aanay noqon mid u adeegta danaha dabaqada ladan.

Xisbiyada mucaaradka ahna waxa looga fadhiyaa inay sheegaan dhaliilaha Dawladda, isla markaana tilmaamaan wixii dalkooda iyo dadkooda dan u ah ee aanay samayn wixii ay dhaliilayeen wax kasii liita ama kasii xun. Waa inay ka qaybqaataan nabad-gelyada iyo horumarinta maamulka fiican ee dalka, wixii dalka iyo dadka aan dan u ahayna ay kasoo horjeestaan.

Eriga shaqaalaha waa in loo maraa sifo sharci ah.

Waxaan xukuumadda talada haysa ka codsanaynaa in qofna shaqadiisa aan looga eryin qabiilka uu yahay, xisbiga uu taageersan yahay iyo waxa uu aaminsan yahay midna, taasi waxa ay meel ka dhac ku tahay ciddii samaysa. Qofka shaqaalaha ah marka la eryayo waa in loo maraa sifo waafaqsan sharciga uu jebiyay ee ma aha in si shakhsi nacayb siyaasadeed loo eryo, waayo muxaafad iyo mucaarid labadaba waxa loo bbaahan yahay inaan dalkeena iyo nabadgalyadeena meel uga soo wada iyadoo aan cid gaar ah lagu halaynaynin.

Ugu dambayntii waxaan kula dardaarmayaa xisbiga talada waddanka ku guulaystay inuu muujiyo dul-qaad dheeraad ah, waayo gari laba nin kama wada farxiso, haddii uu isagu garta helay ha dul-qaato.

Ismaaciil Maaweel, Hargeysa.

Top


Yaan Laydin Kala Dilin, Prof. Cali Ibraahim Iidle.

Awoowgay da’diisaa, dadkan daacaddii iyo diin ugu dambaysoo, duni baynu joognaa nimaan loo ducayn iyo duuflaal ka taliyee,
Waxa taa daliil u ah dugaagii na wiiqee ducada naga wareemee, haddaa dawlad noqoteen dacallada ka joogoo, yaan la idin kala dilin
Waa duni dalkaygiyo waxaad duunyo leedahay lagu duulimaadyoo, haddaanad is-difaacin lagu diiranaayoo, nabadii la duugee
Waa duni diciifiyo nin dambeed da-saarayoo, doqon loo maleegtee, haddaanad digtoonaan deyn aad ka duushiyo dabin kuu diyaaryee,
Waa duni la doorshoo xaqaagoo la duudsiyey, haddaanad dagaalamin, dhamaan dawladaa jira dacwadaad u geysiyo dood aad ku weydee,
Waa duni dareen iyo jiidh kuu dubaaxshiyo dadnimadii ka guurtoo, duruufaa dhacaa adag ka dabaalo mooyee, cidi kaa dul-qaadine,
Danta aynu leeniyo waxa maanta noo daran ruuxaan daaleyn, dib-u-socod inuu yahay isku diid maynee deg deg uga xoroobaa.

Prof: Cali Ibraahim Iidle.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Arbacadii iyo ciyaarihii saaxiibtinimo ee dhacay.

Holland Vs Portugal.

Ninka reer Holland ee Patrick Kluivert kooxdiisa Netherlands-ka u dhaliyay goolkii 37aad ee uu u dhaliyo qarankiisa isagoo gaadhay score-kii uu hore u dhigay Dennis Bergkamp oo ay isku record noqdeen labadoodu.

Ciyaartii saaxiibtinimo ee habbeenkii Arbacadii ka dhacday dalka Holland ayna wada ciyaareen dalka Portugal, ayaa waxa gool-dhalinta u furay Holland ciyaaryahanka afka hore uga ciyaara kooxda Barcelona ee Kluivert daqiiqadii 27aad ee qaybtii hore, kubaddaas oo baas cidhib ah uu ka helay Roy Makaay kuna hubsaday shebegga kooxda Portugal.
Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la isu soo noqday ayuu daqiiqadii 12aad uu goolkii barbaraha keenay ciyaaryahanka baasha bidix ka ciyaara ee Simao Sabrosa, kubadaas oo ahayd kubad uu difaaca Holland kala soo xulay dhinaca baasha midig, dabadeedna laad kulul ku ganay gool-walaha Holland ee Van Dar Saar si fududna ku dhaaftay, kubaddaas oo markii la shuuday uu sii taabtay difaacyahanka reer Holland ee Frank Depor sidaasna ku baal martay goolhayaha Holland.

Natiijadii ciyaartaasina waxay ku dhammaatay barbaro 1-1 ah.

Spain 4 - Ecuador.

Weeraryahanka reer Spain ee Raul Gonzales qalliin cidhibta ah oo deg-deg loogu sameeyay uga maqnaa ciyaartii Arbacadii, isagoo uu ciyaarayay mataankiisa weerarka ka ciyaara ee Fernando Morients oo ciyaartaa qarankiisa Spain u dhaliyay 3 gool daqiiqadihii 20aad, 22aad iyo 64aad, isagoo goolkii afraadna uu u dhaliyay ninka dhexda ka ciyaara ee Jari de Pedro, waxaanay ciyaartaasi ku dhammaatay 4-0 lagaga guulaystay kooxda Ecuador.

Fernando Morients oo ah ninka Qaranka Spain iminka ugu sarreeya gool-dhalinta, iyadoo Raul-na yahay ninka kusoo xiga, sidaas daraadeedna ku hoggaaminayaan qarankooda, hase yeeshee intii ka dambaysay koobkii adduunka ee kooxda Spain uu gacanta ku dhigay tabobaraha cusub ee Inaki Saez’s oo shaqada kala wareegay Antonio Camacho waa ciyaartii sagaalaad ee aan laga badin xulka Spain.

Germany 1 - Serbia and Montenegro 0
Waxa u dhaliyay ninka khadka dhexe ee la yidhaahdo Sebastian Kehl.

Czech Republic 4 - Turkey 0
Waxa u kala dhaliyay Tomas Rosicky bilawgii ciyaarta iyo Jan Koller oo isna dhaliyay daqiiqadii 20aad, Vladamir Smicer (37aad) iyo Milan Boros (38aad).

Switzerland 1 - Italy 2
Waxa Switzerland goolka u dhaliyay Alexander Frei, 50-kii daqiiqo ee ugu horreeyayna waxay ku hoggaaminayeen 1-0, Talyaanigana waxa u kala dhaliyay Nicola Legrottaglies iyo Cristiano Zanetti.

Libya 1 - Argentina 3
Argentine waxa u kala dhaliyay; Javier Saviola, Juan Riquelme iyo Pablo Aimar, Libyana waxa goolka qudha u dhaliyay Tariq Al-Taib.

Denmark 1 - Ukraine 0
Denmark waxa goolka u dhaliyay Thomas Graversen.

Austria 2 - Scotland 0
Waxa Austria labada gool u kala dhaliyay Roland Kirchler iyo Sturm Graz.

Hungary 5 - Luxembourg
Waxaa u kala dhaliyay; Imre Szabics (2 gool), Soltan Gera, Krisztian Lisztes, Krisztian Kenesei.

Tunisia 1 - Senegal 0
Waxa u dhaliyay goolka Najeh Braham

France 5 - Masar 0
Waxa France goolasha u kala dhliyay; Thierry Henry (2 gool), Robert Pires, Djibril Cisse iyo Olivier Kapo.
Waxa kaloo iyaguna ciyaaray;
Belgium 3 - Poland 1 iyo South Africa 0 - Jamaica 0

N.B
Patrick Kluivert waxa uu gaadhsiiyay halkii gool ee uu dhaliyay ciyaarii Bortaqiiska iyo Holland derajadii uu nin reer Holland ahi u dhaliyay qarankiisa, taasoo hore uu halkaa u gaadhsiiyay Dennis Bergkamp oo u dhaliyay qarankiisa 37 gool, sidaasoo kale ayuu Kluivert-na u dhaliyay goolkiisii 37aad, halka ay record-ka ugu sarreeya lahaayeen Qaranka Holland ee ka horreeyay Dennis Bergkamp ay kala lahaayeen,
Faas Wilkes (35 gool)
Abe Lenstra (33 gool)
Iyo Legendary Johan Cruyff (33 gool).

Top


Jilbo-Dhiig, Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed (Xasan), waxaa tifaftiray A. Ducaale : 34aad.

Biixi markii uu inantii u sheegay inuu qorshe guur ka rabo, waxay u sheegtay in wiil reerkoodu siiyey ay u doonan tahay, laakiin aanu wax meher ahi ku xidhnayn, laakii Biixi taa uma qaaddan wax weyn, wuxuuna isku qanciyey xikmaddii ahayd “Naago meher baa xidha, ragna axdi baa xidha”, ka dibna wuxuu is yidhi gabadhan mar hadii aanu meher ku xidhnayn wax kaa horjoogsan karaa ma jiraan, sida darteed haasaawihii ayuu la sii waday, isla markaana hadalkii abtigii ee ahaa gabadhaasi nin bay u joogtaa, dib ayuu u xusuustay, wuxuuna isku qanciyey abtigii inaanu ahayn nin wax la wada ee uu yahay nin majara habaabinayey.
Biixi hadaladii kaftanka ahaa ee uu markii hore gabadhaa oo magaceeda la odhan jiray tan iyo maalintii uu badheedhaha guurka u dhiibay wuu bedelay, wuxuuna isticmaalay weedho beerlaxowsigu ku badan yahay oo uu gabadha ku soo jiidanayo.

Biixi waqtigan xaaladiisu way ka duwan tahay sidii ay beryaha qaarkood ahayd, waayo reerkoodu hadii uu beri xoolo yaraw ahaan jiray iminka ma aha ee waxay ka mid yihiin qoysaska degmadooda ugu maalqabeensan, waxaana u kala jeeda laba xero oo waaweyn oo geeli iyo adhi ah, laakiin Biixi isaga oo aan ka gungaadhin arintii guurka ee gabadha la soo qaaday ayuu xaggii reerkooda u noqday, ka dibna Biixi markii uu reerkoodii gaadhay waxa uu arintii markiiba u bandhigay wiil dhalinyarada reerahooda ka mid ah oo ay ilma-adeer ruma yihiin, taas oo uu Biixi wiilkii ina-adeerkii u sheegay inuu gabadh caynkaas ah sheeko guur la wado, balse aanu weli ka gun gaadhin, dabadeedna wiilkii waxa uu ku taliyey inay gabadha la soo tagaan, waxayna talada caynkaas ahi ka dambaysay markii Biixi wiilka Ina-adeerkii u sheegay inay gabadhu nin u doonan tahay, sidaa darteed wiilkii waxa uu yidhi “Gabadhaa inaga oo aan ninna ka abaashan ayeynu habeen madaw cidhibta ku soo dhufanaynaa oo la soo tegaynaa. Biixi talada uu Ina-adeerkii u soo jeediyey kuma diidin ee wuu ku raacay, ka dibna markii ay iskula qanceen inay gabadha la soo tagaan waxay uga sii gudbeen talo ku saabsan qorshihii iyo tabaabushihii ay hawshaa u fullin lahaayee.

Dabadeedna maalintii dambe ayey isu diyaariyeen inay u ambabaxaan aaggii ay gabadha reerkoodu deganaayeen si ay hawshii u soo fuliyaan, waxayna urursadeen sahay wixii ay u baahnaayeen, wayna baqooleen, iyaga oo reerkana u sheegay inay meel u yara saqaafayaan oo ay ayaamo ku maqnaanayaan, dabadeedna way baqooleen, iyaga oo intii jidka ku sii jireen ka tashaday halkii ay arinta ka geli lahaayeen iyo sidii ay gabadha ugu qancin lahaayeen qorshahooda, laakiin intii Biixi ku maqnaa xagga reerkooda ayuu gabadhii u soo daba maray wiilkii ay u doonanayd, laakiin nasiib wanaag wax guur ahi ma suurtoobin, ka dib markii ay wiilkii iyo gabadhii is afgarran-waayeen, ka dibna ay arintii halkaa ku burburtay, dabadeedna Biixi iyo Ina-adeerkii waxay degmadii gaadheen goor galab ah oo uu degmadana ka jiro aroos, isla markaana nasiib wanaag gabadhii ay u socdeena waxay joogtaa arooska, ka dibna Biixi waxay taasi ugu muuqatay fursad qaali ah, wuuna ku farxay arageeda, ka dibna markii uu gabalku madoobay ayuu Biixi gabadhii afka u dhuubay, wuxuuna u dedejiyey ujeedadii socdaalkooda, dabadeedna gabadhii Aamina iyadoo ka yara foorjaysan ninkii ay mudada ka dhursugaysay ee hadana bariijiyey himiladii ay mudada naawilaysay ayey markiiba Biixi u dedejisay haye, ka dibna habeen-badhkii ayey saddexdoodii guura galeen, laakiin markii ay waa-soo dhowaydkii ahayd ayey jidka dhexe sii seexdeen.

Biixi waxa uu damacsanaa in marka uu gabadhaa arooso uu hooyadii ka dhinac arooso oo halkaa dejiyo, isaga oo doonayey in xataa hadii uu maqaalada ka shaqaysto aanu labadiisa waalid marna ka fogaan.

Gabadha uu Biixi la soo tegay ee Aamina waa gabadh joog iyo jibaadh-ba ilaahay qurux siiyey, waa nooca la yidhaahdo boqol baa lagala baxaa.
Biixi marba dabadiisa ayuu eegaa, ka dibna marka uu isha ku dhufto gabadha daba tiicaysa ee qiimaha leh ayuu hoosta ka yidhaahdaa “Alleylehe malaa maanta ayuun bay libin guur kuugu dhowdahay.”

Hore ayey Somalidu ugu gabayday “Waxaad mooye qooqaaratiyo, maluhu waa beene”, sidaa darteed malaha Biixi ma midho-dhalin, kuma guulaysan inuu Aamina arooso.

Labada wiil iyo gabadhu markii ay jidka sii seexdeen meel may wada seexan, ee gabadhu waxay seexatay guri madhan oo ay seexdeen xeradiisa, halka ay labada wiil seexdeen ardaaga xerada. Ka dibna goor ay waa-soo dhowaadkii tahay ayuu bahal Libaax ahi oo Libaaxyadu isku mid maahee Aar mergiyadu balaadheen ayaa gabadhii gurada xerada uga soo dhacay oo haw la yidhi, ka dibna qaaqdii u horaysay mooyee hadal dambe lagama maqal, waayo markiiba laba ayuu u kala jaray, isla markaana inta uu cabaar la yara orday ayuu markiiba qurdudumsaday.

Biixi iyo wiilkii Ina-adeerkii cabaar way ka daba ordeen aarkii gabadha qaatay, laakiin raq mooyee ruux kama ay gaadhin, sidaa darteed waxay daba socdaanba markii uu Waagu-beryey ayey arkeen waxoogaa dhiig ah oo meelahaa ku daadaatay, sidoo kale waxay heleen googo’yo ka mid ah maryaheedii, ka dibna markii arkeen inaanay xataa raqdeedii helayn ee ay inantii uur-libaax jiifto ayey iskaga quusteen, dabadeedna iyaga oo muraara-dilaac ah ayey kayntii Libaaxu gabadha la galay dib uga baxeen, laakiin Biixi talo ayaa ku cadaatay, ka dibna murugo iyo naxdin aduun ayuu la madoobaaday, wuxuuna hoos-hoos ugu calaacalay, “Tolow xagee layga haystaa miyaanan guryo ba’ay iyo goobataal xunba ka baxayn.”

“Goobtaan fadhiistaba meel Goray ka dheelmaday, Guul-daro hay ahaatee, garran-maayo aniguye maxa guurka igu daray”ayuu Biixi ku hallaanhalay.
Laakiin Biixi waxa uu go’aansaday inuu ciil-beel ka dhigto Libaaxii Aamina cunay, ka dibna wiilkii Ina-adeerkii ayuu ku yidhi “Ina-adeer Calow libaaxii gabadha inaga cunay kama hadhay ilaa aan dilo, sidaa darteed inta aan reerkii qori ka soo qaato ayaan ku noqonayaa kayntii Libaaxu ku jiray”, laakiin wiilkii kale markii hore wuu ku diiday, wuxuuna u sheegay inuu Libaaxa wadanka joogaa yahay bahal daallin ah oo hadii ay ka daba tagaan naftooda khatar gelinaya, sidaa darteed waxa uu Biixi kula taliyey inuu arintaa ka tanaasulo, balsi wuu ku adkaytay, wuxuuna sheegay inaanu marna ka samrayn bahalkaa ilaa uu dilo, ka dibna wuu ka hadhi kari-waayey oo wuu raacay, waxayna u baqooleen xagii reeraha, dabadeedna waxay reerihii ka soo qaateen laba qori, ka dibna waxay dib ugu noqdeen kayntii Libaaxa, laakiin markii ay laba cisho doon doonayeen ee ay waayeen ayey iskaga tageen oo ay xagaa iyo reerihii iska qabteen, laakiin gabadha reerahoodii ayaa maqlay arintii, ka dibna odayaal ayaa la soo diray Biixi reerahoodii, waxayna ku yidhaahdeen gabadhayadii ka warama, ka dibna waxa loo sheegay inuu Libaax cunay, iyadoo si fiican loo qaabilay odayaashii ergada ahaa, isla markaana waxay u sheegeen inay diyaar u yihiin wixii ay arintaasi yeelato, waana laga wada xaalay.

Inkasta oo ay labadii reer arintii gabadha ka wada xaaleen, hadana Biixi waxa uu ka samri-waayey, ka dibna maalintii dambe ayuu keligii inta uu qori qaatay ayuu kayntii Libaaxa qabtay, ka dibna wuxuu doon doonaba maalintii dambe ayuu goor barqo ah isaga oo maraya meel kayn yar qoorteeda ah qaarkii sare ee Libaaxa, dabadeedna Libaaxii ayaa markii arkay Biixi qaar sare kala bixiyey.

La soco.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga, waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991, waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay Muuse Shoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale.

Mingistu: Intii hore anigu waan taageersanaa, waayo masalan markii uu Humara joogay ee la dacweeyey aniga ayaa amar bixiyey oo idhi Tigraay hala geeyo, laakiin hadana intii uu gobolka Tigraay joogay ayaa la soo dacweeyey oo la yidhi waxay heshiin-waayeen janaraalkii dhinaca waqooyi haystay janaraal Mar’id, ka dibna markii sidaa laygu yidhi ayaan hadana u bedelay dhinaca Koonfureed, sidoo kale markii la yidhi Taariku wax derejo ah looma kordhinayo, waxaan idhi waa la dallacsiinayaa, isla markaana waxaan ka mid ahaa qolooyinkii lahaa shaqo masuuliyad u baahan haloo dhiibo. Waxaas oo dhanna waxaanu u samaynaynay si aanu taariikhdiisa u wanaajino. Tusaale ahaan markii aanu u dhiibnay ciidankii xoogga lahaa ee aagga Naadaw ciidankaa intaa le’eg waxaanu ugu aaminay isku hallayn ayey ahayd, balse muhimaddu may ahayn inuu janaraal noqdo, sidaa awgeed markii aanu ciidanka intaa le’eg taliyaha uga dhigaynay ujeedadayadu may ahayn inaanu ciidankaa khatar gelino.

Taariku kartida iyo khibradda milaterinimo ee uu leeyahay may jirin cid keliya oo su’aal ama dood ka soo jeedisay, laakiin hadii wax la iska waydiin lahaa ama ay cidi su’aal ka soo jeedin lahayd looma magacaabeen meesha loo dhiibay, balse taliyayaashiisu waxay siiyeen waraaqo cadaynaya iinuu booskaa u qalmo. Masalan qaybta Naadawn markii loo dhiibay ee uu hawl-galay markii joogay muddo aan hal sanno gaadhayn nimankii taageersanaa ee lahaa ninkaasi waa nin adag, way ka soo boodeen, waxayna ku soo oogeen dacwado ciidaa ka badan, waxaana ka mid ahaa dacwadaha is dabajoogga ah ee lagu soo oogayey “Ninkaasi waxa uu ka shaqaynayaa oo uu eryanayaa wixii ay isaga wax ka soo gelayaan, waayo kaalintiisii askarinimo waxa uu ka hormariyey dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, isla markaana ma garanayo sida dadka loola shaqeeyo, waayo saraakiil iyo siyaasiyiin toona lama heshiinayo”.

Hadii aan soo gaabiyo ninkaa Taariku warbixinihii iyo wararkii laga keenayey dhaqamadiisa may ahayn kuwo qurux leh, tusaale ahaan gaashaanlaha 35aad ee Satiit Humara markii uu baxsanayey uu Suudaan gelayey, kuna biiriyey EDU-yada waxa lagaga soo warbixiyey inuu gacan weyn ka geystay, sidoo kale waxa noo iman jiray warbixino la xidhiidha dhibaatada uu ku hayey dadka rayidka ah ee aaggaa deganaa. Sidoo kale markii uu gobolka Tigraay haystay waxa dhacday inay ciidamo Wayaanaha (Tigreega) ah ayaa soo galay ilaa iyo caasimadda gobolka Tigraay-ga ee Maqalle inta ay jeelka weerareen ayey maxaabiistii dembiyada siyaasadda galay iyo kuwii dembiyada kale u xidhnaa albaabka ka fureen oo sidaa ku sii daayeen”, ka dibna taliyihii xabsiga haystay ayaa ku war-bixiyey jabhad ayaa I soo weerartay markaas ayey arintu gacantayda ka baxday, markaa sida ugu dhakhsaha badan hala ii soo gaadho oo ciidamo xoojin ah hala ii soo diro, laakiin Taariku markii ay waxaasi dhacayeen xataa sariirta kama soo kicin, markii loogu soo qayliyeyna wuxuu ku soo jawaabay “Anigu ma qaabilsani ilaalinta xabsiyada ee hurdada ha igaga ciyaarina”.

Ka dibna qunyar ayuu hurdadiisii iskaga noqday, sidaa awgeed waxa uu ahaa ninka gacanta siiyey inay Wayaanuhu magaalada Maqalle bantankeeda kala baxaan maxaabiis dembiilayaal ah oo maxkamad la saari lahaa.

Gannat: Hadii ay run tahay inuu Taariku qaladaadka noocaas ah galay inta dembigiisa la cadeeyo maxaa loo siin-waayey fursad caynkaas ah?

Mingistu: Horta waxaan doonayaa inaan ku fahamsiiyo sidii ninkaa loo xukumay ,iyadoo waxyaabahaas oo dhan warbixin laygu soo gudbiyey ee aanay jirin wax aan degdeg u qabtay ama ugu talaabsaday. Sidaa awgeed markii dacwadiisa lay soo gudbiyey ayaan hadana qolooyinkii warbixinta ii soo gudbiyey mooyaane qolyihii kale ee saraakiisha ahaa waydiiyey inay iyaguna dhinacooda warbixin ii soo diraan, ka dibna waxay ii soo direen warbixin odhanaysa ma dhici karto taasi, waayo saraakiishii Xayle Salaase iyo kuwii ka soo qallin-jebiyey kuliyadda ciidama awelba col bay ahaayeen, markaa way wanjalayaan, waxaana ka mid ah nimanka wanjalaya janaraal Mar;id Nuguse, janaraal Ragaas Girma iyo janaraal Xayle Gorgis, markaa ninkaasi ma aha sida ay ku sheegayaan ama kaga warbixinayaan ma aha, taasina waxay ahayd niman ay saaxiibo yihiin ama taageersanaa oo dacwadda ka leexinayey, gaar ahaan ninkii ay saaxiibada ahaayeen ee nabadsugidda haystay kornayl Tasfaaye Walda Salaase oo dacwadaha ii soo gudbin jiray waxa uu ka mid ahaa kuwa Taariku taageersan. Laakiin dacwadaha kala duwan ayaan la dhakafaaray oo aan wax go’aan ka gaadhi kari-waayey ninkii wasiirka gaashaandhigga ahaa janaraal Tasfaaye Gabra Kidaan ayaa soo jeediyey ra’yi odhanaya “ninka shakhsiyadiisa qaybtu ha soo xaqiijiso, dabadeedna fekradaas ayaa dadkii u batay, ka dibna aniguna waan ku raacay.

La soco.

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida, waxa qoray Cabdi Caara-dhuub, q: 34aad.

Masalan waxa is qabsaday Faarax aabihii oo ay Ayaanle hooyadii awr gaadii qaad ah ka kaxaysatay, Faaraxna waxa uu ahaa wiilka inamada u weyn isagaana awrka doonistiisa lahaa , awrkiina waxa uu raacay abaartii dabadheer, sidoo kalena odaygii Faarax dhalay wuu xijaabtay, balse Ayaanle hooyadii way nooshahay, waxaana Ayaanle u soo doogay geel wanaagsan.Dabadeedna waxa dacwiyey Faarax, wuxuuna yidhi “Erey wayga duco oo intan iyo intii dhashayba illaahay ha cafiyo, ninkii xaq leh illaahay xaqiisa ha siiyo, ereyna wayga didiif oo dhibaabe waa nin leh, gar cadaawane wixii hadhi jiray iga hadhan, markaa inay Canbaro dumar tahay, oo ay dhashay Ayaanle oo muddakar ah, Ayaanlena aan maatada loo dhaafi karin, isla markaana sida uu Ayaanle waxa isaga ka maqan uu ugu doodayo, isagana waxa laga doonayo oo aanaan lahayn maato isu dhaaf muduci baan ahay, markhaati iga furtana waan u leeyahay, halna wayga afeef, hadii odhan lahaa awrka isagu ma laha, inuu aabahay dhintay oo uu awrku hadda yahay mulkigii ubadkiisa doonistiisana aanay ciddi iga lahayn muduci baan ahay markhaati iga furtana waan u leeyahay , midhna waa iga dacwi, Ayaanle hooyadii Canbaro aabahay ayey awr gaadiid celis uga kaxaysatay, awrkaasina inaanu nagu soo noqon muduci baan ka ahay, markhaati iga furtana waan u leeyahay, mar hadii aanu nagu soo noqon inaan leeyahay oo Ayaanle ka doonayo waxaana u leeyahay markhaati iga furta, wayga dhaabbad”ayuu ku soo xidhay hadalkiisa.

Ayaanleoo rug madaacalay fadhiya ayaa lagu yidhi hadalku adiga ayuu ku joogaa, laakiin Ayaanle waa laga afroon yahay, ka dibna isagii ayaa tiraabay oo yidhi “Aniga waa layga afka waa layga badiyaa ee waxa ii hadlaya Inaadeerkay Saleebaan”, ka dibna Saleebaan hadalkii qaatay, wuxuuna ku bilaabay “Islaama allay Ayaanle wuxuu leeyahay dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaanaaye wixii hadhi jiray iga hadhan, intaasi waa iga didiif, ereyna waa iga dacwi, islaama allay Ayaanle wuxuu leeyahay Awrka Faarax I waydiinayaa madaw ma aha, cadaan ma aha oo magar ma aha, oo qori cad ma aha, nin wax lihina wixiisa waa yaqaan, markaa Faarax waa inuu awrka uu doonayo midabkiisa sheegtaa, ta kale awrka Faarax I waydiinayaa hadii aanu muddoba lahayn in waxa uu iga doonayaa dulsarar yahay (dheeraad yahay) oo aanu kaas oo kale waxba lahayn madaacalay baan ahay, markhaati xeer-beegti oo iga furtana waan u leeyahay, islaama allay Ayaanle wuxuu leeyahay geelu da’ buu leeyahay awrkaas uu Faarax iga doonayo da’ malaha mar hadii aanu 5 jir ahay, 2 jir ahayn ama 6 jir ahayn oo aanu da’-ba lahayn in waxa uu ii sheeganayaa dulsarar tahay oo uu ninka awrkaas oo kale sheeganayaa da’diisa yaqaan , markaa hadii aanu awka uu sheeganayaa aanu da’aba lahayn inaanaan waxba laygaga lahayn mudaacalay baan ka ahay, markhaati xeer-beegti oo iga furtana waan u leeyahay, dhibaabena waa nin leh.

Islaama allay Ayaanle wuxuu leeyahay awrka Faarax iga doonayaa inaanu summad dab iyo mid caanood midna lahayn oo summadda ay geela ku dhigtaan waa la yaqaanaaye, awrkana uu raray ku sheegay oo aanu awr la rartaa bilaa summad ahayn, awrka uu ii sheeganayaana aanu summad lahayn, marka ay sidaa tahay inaanu waxba igu lahayn madaacalay baan ka ahay, markhaati xeer-beegti oo iga furtana waan u leeyahay.

La soco.

Top