Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 324 May 4, 2003

Wasaaradda Warfaafinta Iyo Fadeexadaha Dil-Dilaacay, “Wasiirku Wuxuu Si Khaldan U Tagri-Fallay Awoodii Mamulka,” Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta.”

Sanad-guuradii 1aad ee marxuum Cigaal oo Berbera laga xusay.

Xuska sannad - guuradi 1aad ee maalinta Jaamacadaha Somaliland.

Dawooyinka: Waxtarkooda iyo Waxyeeladooda, Q: Lixaad. By: Maxamed X. Daahir (Gud. Ururka Farmasiyada Somaliland).

“Xadhiga Faysal Kaamil, Wuxuu Daliil U Yahay Cabudhinta Lagu Hayo Xisbiga KULMIYE,” C/casiis Samaale.

“Xukuumaddu Waxay Ku Tagri Fallaysaa Awood Qayrul Dastoori Ah Xiligan,” wasiirka xidhidhka golayaasha.

Maayarka Dagmada Gebiley Oo Beeniyay Warar Uu Baahiyay Wasiirka Hawlaha Guud.

"Waxa Naloola Dhaqmay Si Fool Xun, Iyada Oo Xataa Naloo Diiday Dadkii Na Soo Booqanayey,” wareysi - Odayaashii xisbiga Kulmiye ah lagu xayiray Gebiley.

Maraykanka Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Qorshe Hubka Halista Ah Oo Ay Bandhigtay D. Suuriya.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ninka Duday Distoorkiyo Waxyiga Diintii Ka Carow.

Maxkamadda sare Ha Ka Digtoonaato Cawaaqib-Xumo.

Maxbuus xor ma aha xaakimna ma noqdo.

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub Q:29aad.

Jilbo-Dhiig, sheekadan waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 29.

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga, Waxaa Qortay Ganat Ayaale Aambase Waxaan Turjumay Muuse shoodhe.

WAADIGA CIYAARAHA.


Wasaaradda Warfaafinta Iyo Fadeexadaha Dil-Dilaacay, “Wasiirku Wuxuu Si Khaldan U Tagri-Fallay Awoodii Mamulka,” Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta.”

Wasaaradda Warfaafinta Iyo Fadeexadaha Dil-Dilaacay, “Wasiirku Wuxuu Si Khaldan U Tagri-Fallay Awoodii Mamulka,” Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta.”

“Maadaama Aan Safrayo, Maamulka Wasaarada Waxaan Kaga Tegayaa Agaasimaha Waaxda Mamulka,” Wasiirka Warfaafinta.

Hargeysa (Haatuf): “Shaqaalaha wasaaradda oo kor u dhaafay boqol qof waxa derejada “A” ka lahaa afar qof, afartiina waa la eryey, raadyow Hargeysana waxa ka baxa barnaamijyo lagu abuurayoa xasilooni daro iyo kicin bulshada ah” sidaa waxa yidhi wasiir-kuxigeenka wasaaradda warfaafinta, Maxamuud Jaamac Warfaa, oo saxaafadda uga waramay xaaladda wasaaradda warfaafinta iyo cabashooyin isa soo tarayey bryahan dambe oo la xidhiidha isticmaalka idaacadda Raadyow Hargeysa.

Wasiir-kuxigeenku waxa uu aad ua dhaliilay hab-dhaqanka waqtigan xaadirka ah ka jira maamulka wasaaradda warfaafinta iyo raadyow Hargeysa, wuxuuna yidhi “Raadyow waxa uu marayaa heer ay dadweynuhu dib u xusuustaan hab-dhaqankii maamulkii xisbigii Siyaad Barre, waayo waxa idaacadda laga sii daayaa hambalyooyin taxane ah oo xisbiga UDUB loogu tahniyadaynayo inuu ku guulaystay doorashadii, iyadoo ay ilaa hadda laallan tahay natiijadii rasmiga ahayd, arintaasina waxay keenaysaa kicin la kicinayo bulshada oo aan inteeda badan UDUB u codayn.”

Wasiir-kuxigeenka warfaafintu, isaga oo tilmaamaya barnaamijyada xasilooni darada ah ee idaacadda raadyow Hargeysa laga faafiyo wuxuu yidhi “Wararka lidka ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka waxa ka mid ah, Nabadoono beelood oo uu xilka ka qaaday wasiirka daakhiligu, garsoorayaal xilka laga qaaday, warbixino lagu majarahabaabinayo bulshada, heeso guubaabo ah iyo hadalo hanjabaad ah oo bulshada lagu kicinayo.”

Wasiir-kuxigeenku waxa uu wasiirka warfaafinta ku eedeeyey inuu midabtakoor dhinaca afkaarta ah ku sameeyey shaqaalaha wasaaradda, wuxuuna wasiir-kuxigeenka warfaafintu isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi “Shaqaalaha wasaaradda oo kor u dhaafay boqol afar ka mid ah ayaa derejada “A” ah, waxaase nasiib daro ah inuu afartiiba wasiirku ka takhalusay, ka dib markii uu ka waayey sida uu jecel yahay”.

Xubnaha shaqaalaha ah ee la eryey ama shaqadooda la xadiday waxa ka mid ah:Axmed Sh. Xuseen, C/raxmaan Shamax, Maxamud Cali Xasan iyo Maxamed Cali Weji. Laakiin wasiir-kuxigeenka warfaafintu waxa kale oo uu wasiirkiisa ku eedeeyey inuu si qaldan ugu tagri falo , wuxuuna yidhi “Qaab-dhismeedka wasaaraddu waxa uu yahay wasiir, wasiir-kuxigeen, agaasime guud iyo saddex agaasime waaxeed, ka dibna wasiirku si uu u xalaashado qorshayaashiisa waxa uu awooddii iyo saxeexii ka qaaday agaasimihii guud, waxa kale ooo uu eryey agaasimihii waaxda idaacadda oo uu ku bedelay nin aan xiligan ka mid ahayn shaqaalaha wasaaradda, ugu dambayn waxa uu eryey agaasimihii maamulka , isaga oo ku bedelay khasnajigiisii gaarka ahaa oo kala soo tegay wasaaradda duulista hawada, waxa kale oo xusid mudan inuu agaasimaha maamulku qaato mushahar sharci daro ah oo dhan 1.500,000 Sh.Sl ah, halka uu agaasimaha guud ka qaato 570,000 Sh.Sl ah”.

Wasiir-kuxigeenkau waxa kale oo uu beeniyey hadal ay dhowaan saxaafadda siiyeen wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale iyo agaasimihiisa waaxda idaacadaha Maxamed Siciid, hadalkaas oo ay ku sheegeen inay idaacadda Raadyow Hargeysa u siman tahay axsaabta siyaasadda, laakiin wasiir-kuxigeenku taa waa beeniyey, wuxuuna ku tilmaamay inuu wasiirku idaacadda ka dhigay meel xisbiga UDUB oo keliya u adeegta.

Ugu dambayn wasiir-kuxigeenka warfaafinta, Maxamuud Jaamac waxa uu soo jeediyey in wax laga qabto maamul-xumada gaamurtay ee ka jirta wasaaradda, isaga oo sheegay in hadii ay maamul-xumadaasi sii socoto ay keeni doonto dhibaato culus oo aan laga soo kabban Karin.

Eedaynta ah inuu wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale si qaldan ugu tagri falo awoodda maamulka, isla markaana isku cayn iyo bayd gooyo jarranjarada maamul ee wasaaradda waxa daliil u ah waareegto uu qoray 2-dii bishii ina dhaaftay ee Abril, waqtigaas oo uu u baxay safar, ka dibna uu xilka wasaaradda kaga tegay agaasimihiisa maamulka, wuxuuna wareegtadaa ku yidhi “Maadaama aan safar u baxayo sidii caadiga ahayd waxaan maamulka wasaaradda kaga tegayaa agaasimaha waaxda maamulka oo wixii soo kordha wasiir-kuxigeenka la socod siin doona, sidoo kale guddigii agaasimayaasha waxa la farayaa inay maalin walba shiraan inta aan safarka ku maqanahay, kana wada hadlaan wixii soo kordha.

Sidoo kale inta aan safarka ku maqanahay waxaan rabaa in la sii dhameeyo:

Sawiradii shaqaalaha ee kurarka.

Sawirada wasiiradii wasaaradda soo maray iyo mudadii ay xilka hayeen.

Waan idinla qaatay in Istuudiyaha la raro.

Waa in gaadiidka wasaaradda la wada kiciyo.

Baabuurtii tiknada ahayd waa in la soo celiyo.

Laga bilaabo sabtida (Abril, 5,2003) waa in la shido laydhkii qurxinta ee wasaaradda.

Baakinka waxa loo ogol yahay martida wasaaradda u socota iyo baabuurta dumarku ku jimicsadaan”.

Hadalkan wasiir-kuxigeenku waxa u dambeeyey dhaliilo mudooyinkan dambe si is dabajoog ah uga soo baxayey maamulka wasaaradda warfaafinta, iyadoo dhaliilahaa intooda badan loo tirinayo wasiirka warfaafinta, waxaaana toddobaadkii hore hadal saxaafadda siiyey suxufiyiin sare oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta, kuwaas oo sheegay inuu wasiirka warfaafintu xakameeyey xoriyaddii iyo dhexdhexaadnimadii idaacadda Raadyow Hargeysa iyo wargeyska Maandeeq.
 

Top


Sanad-guuradii 1aad ee marxuum Cigaal oo Berbera laga xusay.

Berbera (Haatuf): Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo 3 May, 2002 ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika oo uu caafimaad ahaan u tegay, ayaa shalay sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay geeridiisa laga xusay magaalada Berbera oo uu ku aasan yahay.

Madaxweyne Cigaal markuu geeriyooday waxa xilka Madaxweynenimo ee Somaliland loo dhaariyey mudane Daahir Rayaale kaahin oo hore u ahaa madaxweyne ku xigeenkii marxuum Cigaal, iyada oo uu dastuurka Somaliland jiddaynayo in marka ay geeri kedis ahi ku timaado uu meeshiisa buuxinayo madaxweyne ku xigeenku, laakiin marxuum Cigaal sanadkii 1993-kii ayuu xilka kala wareegay madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland C/Raxmaan Axmed Cali ka dib markii marxuum Cigaal lagu doortay shirweyne ay beelaha Somaliland ku yeesheen magaalada Boorame ee Xarunta gobolka Awdal.

Caraale Maxamed Jaamac iyo Axmed Cali Garas oo ah weriyayaal ka tirsan Haatuf, ayaa shalay booqday magaalada Berbera, waxayna warbixin nooga soo direen sidii arrintaa loo xusay, waxayna warbixintooda ku bilaabeen:

“Koox ka tagtay magaalada Hargeysa oo ay ka mid yihiin Marwadii Marxuum Cigaal, Kaltuun X. Daahir, Siyaasiga Axmed Yuusuf Ducaale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa galabnimadii shalay soo gaadhay magaalada Berbera, waxayna booqdeen Qabriga Marxuumka, iyagoo ubax dhigay, una duceeyay, intaa kadibna waxaa hadal kooban halkaa ka jeediyay Axmed Yuusuf Ducaale oo sheegay inuu wakiil ka yahay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, wuxuuna Axmed Yuusuf ka waramay taariikhdii Marxuumka iyo inuu ahaa siyaasi ku weynaa Somaliland.

Axmed Yuusuf, wuxuu sheegay inuu Marxuumku Somaliland soo gaadhsiiyay halka ay maanta marayso, isagoo yidhi; “Waxaan soo jeedinayaa in la xuso Marxuumka haddii uu Maamulku xusuusan waayay inuu ka soo qayb-galo, inkastoo aanu maamul jirin, waayo waxaynu ku jirnaa bayna risaalatayn, bayna fidratayn, taas oo ay culimadu tidhaa laba labbi dhexdood, markaa maamulkii hore wuu dhammaaday, mid kalena lama dhisin.”

Marka taa laga yimaado, magaalada Berbera kama uu jirin dhaqdhaqaaq badan oo la xidhiidha xuska sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay geeridii Cigaal.

“Aad baan ula yaabay dhaqdhaqaaq la’aanta magaalada iyo sida aan loo dareensanayn xuska maalintaa,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf.

Waxa kale oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyay Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe oo tilmaamo ka bixiyay taariikhdii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal iyo hawlihii taariikhiga ahaa ee uu ka qabtay Somaliland muddadii uu xilka hayay.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay Marwo Kaltuun X. Daahir, waxayna ugu horeyn sheegtay in ay xukuumadda Somaliland u soo jeedisay in ay wasiiro soo raaciyaan, laakiin aanay cidina soo raacin, waxayna tidhi: “Waxaan is weydiiyay Cigaal ma reer buu ka dhintay, mise Somaliland.”
Marwo Kaltun, waxa kale oo ay halkaa ka tidhi: “Waa taan hore u idhi, anigu xisbiyada dhex baan u ahay, laakiin waxaan ahay hooyadii UDUB, maadaama gurigayga lagu aasaasay, balse nasiib-darro xisbiyadii kale ee KULMIYE iyo UCID way joogaan, laakiin UDUB iyo xukuumaddii cidna kama hayno.”

Dhinaca kalena, sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan Casaan, waxa subaxnimadii hore Qabriga Marxuum Cigaal booqday dadweyne reer Berbera ah iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil, waxayna dadkaasi qabuuraha uu Marxuumku ku aasan yahay u akhriyeen Duco iyo Quraan, iyadoo Cusbitaallada iyo Jeelashana loo qaybiyay xoolo loogu tallo-galay Siyaarada Qubuuraha Marxuumku ku aasan yahay, waxaana sida Weriyuhu sheegay habeen hore iyo subaxnimadii shalay ay culimadu akhriyayeen Quraan la xidhiidha munaasibaddan.

Allla ha u naxariistee Marxuum Cigaal waxa uu ahaa siyaasi caanka ahaa Soomaalida dhexdeeda iyo xataa dunida kaleba, wuxuuna siyaasadda ku oo jiray in ka badan nus qarni, isaga oo xilal sar sare ka soo qabtay xukuumadihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, taas oo uu mar noqday Ra’iisal wasaare ka noqday Jamhuuriyaddii Soomaaliya, laakiin saraakiishii ciidamada ayaa sanadkii 1969-kii talada ka inqilaabay, isagana xabsiga u taxaabay.

Alla ha naxariistee Marxuum Cigaal si aanu wax uga ogaano taariikhihiisii kala dambeeyey ee dhinaca nolosha iyo siyaasadaba waxaanu taariikhdiisa wax ka weydiinay dad kala duduwan oo wax ka ogaa, sooyaalkiisii nololeed ama siyaasadeed, waxaana dadkaa ka mid ahaa Marwo Edna Aadan Dhakhtar oo ka mid ah dumarkii uu guursaday marxuum Cigaal.

Sidaa darteed weriye Liibaaan Maaweel shire oo Haatuf ka tirsan ayaa Marwo Edna Aadan kala sheekaystay wixiii ay ka ogtahay marxuum Cigaal iyo taarikhihiisii, waxayna ugu horeyn tidhi “Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal waxaanu markii u horeysay ibaranay dhamaadkii 1957-kii, wakhtigaas oo aanu labadayaduba arday ahayn, laakiin isagu wuxuu dhigan jiray iskuul dhaqaalaha ah oo la yidhaahdo London School of Economic aniguna markaas ayaan dalka Ingiriiska tagay.

Marxuum Cigaal wakhtiguu ardayga ahaa wuxuu aniga iila muuqday arday ka dhexmuuqda ardayda kale, haddii ay noqoto aftahanimadiisa, iyo dad dhexgalnimadiisa, Marxuum cigaal markii aanu Muddo yar isniqiinay ayuu dalka ku soo laabtay isaga oo dhalinyaro ah wuxuuna yimid Berbera”.
Marwo Edna waxay ka sheekaysay sheekooyin xiiso leh, oo la xidhiidha dhaqamadiisii siyaasadeed iyo siyaalihii ay isku guursadeen, laakiin dadka kale ee aanu wax ka weydiinay waxa iyaguna ka mid ah Marwo Kaltuun X, Daahir oo ah marwadii u dambaysay ee uu guursado noloshiisa, sidoo kale waxa dadka aanu wax ka weydiinay ka mid ah Axmed Siilaanyo oo ka mid ah dadkii la soo shaqeeyey marxuum Cigaal, iyadoo uu Axmed Siilaanyo mar wasiir ka ahaa dawladdii marxuum Cigaal ee Somaliland.

Waxa kale oo dadka aanu wax ka weydiinay ka mid ahaa Abwaanka Caanka ah Cabdi Aadan Qays, oo ay xiliyadda qaar xabsi ku wada jireen, laakiin dadkan aanu xusnay iyo dad kaleba waxaanu sheekooyinkooda idiin soo gudbin doonaa cadadyada soo socda. 

Top


Xuska sannad - guuradi 1aad ee maalinta Jaamacadaha Somaliland.

Maalintii Jimcihii dorraad oo ku beegnayd xuska maalinta Jaamacadaha Somaliland, ayaa xaflad loogu dabaal degayo xuskaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Camuud ee Gobolka Awdal, waxaana xafladdaa ka qayb-galay maamulka, macalimiinta iyo ardayda labada Jaamacadood ee Hargeysa iyo Camuud.

Xafladdan oo si weyn loo soo agaasimay, waxa ugu horeyn furay oo ka hadlay Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud, waxaanu soo dhaweyn u soo jeediyay weftigii Jaamacadda Hargeysa, isagoo u soo jeediyay Ardayda Jaamacadda Hargeysa mahadnaq ballaadhan, waxaanu sheegay in ay ahaayeen kuwii fikraddan abaabulkeeda iyo fullinteedaba lahaa, kadib ay labada Jaamacadood isla garteen in ay 2 May noqoto maalinta Jaamacadaha Somaliland.

Prof. Saleebaan, waxa uu ka hadlay dhinaca Siyaasadda Somaliland, waxaanu ka waramay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay dalka sida ay u dhaceen, waxaanu ku tilmaamay inuu dalkeenu dalal badan oo Afrika ah ka fiican yahay.

Prof. Saleebaan, waxa kale oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta dalkeena, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay horumar dhinaca aqoonta ah oo barbar socda horumarka siyaaadeed ee aynu gaadhnay.

Axmed Xaashi oo isna hadalkaa ka jeediyay, ayaa sheegay inay 9 macalin ka yimaadeen magaalada Hargeysa, si ay wax uga dhigaan Jaamacadda Camuud. Waxa kale oo uu Axmed Xaashi farta ku fiiqay iskaashiga ka dhexeeya labada jaamacadood, isagoo tilmaamay in ay labada Jaamacadood iska kaashadeen manhajka waxbarashada.

Prof. Cabdi Cawil oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, isla markaana ah Macallin Dhaqaalaha ka dhigga Jamaacadda Hargeysa, ayaa isna halkaa ka hadlay, isagoo ku hadlayay magaca Jaamacadda Hargeysa, waxaanu sheegay Prof. Cabdi in ay hay’adaha dawladdu u baahan yihiin arday leh aqoon maamul, waxaanu tusaale u soo qaatay dawladda hoose ee Hargeysa oo yidhi: “Ma hayno dadkii aqoonta lahaa ee cashuuraha soo ururin lahaa ee nala shaqeyn lahaa.”

Waxa kale oo iyaguna munaasibaddaa loogu dabaaldegayay xuska maalinta Jaamacadaha Somaliland ka hadlay Prof. Maxamed Barkhad Miigane oo isagu ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, waxaanu Prof. Maxamed tilmaamay sida loogu baahan yahay is-dhexgalka iyo iskaashiga ardayda dhexdooda ah, iyo Gudoomiyaha Arday Camuud, Yaxye Maxamed Axmed, Gudoomiyaha Ardayda Jaamacadda Hargeysa, Cismaan Maxamed Axmed.

Intaa kadib, waxa iyaguna khudbado kala duwan isweydaarsaday ardayda labada jaamacadood, khudbadahaas oo ay ku kula jeediyeen luqadaha English, Carabi iyo Soomaaliba.

Ugu dambeyn, Ardayda ka socotay Jaamacadda Hargeysa ayaa gudoonsiiyey ardayda Jaamacadda Camuud hadyado isugu jiray Buug ku saabsan xafladii sannadkii hore ee xuska maalinta jaamacadaha Somaliland (May 2, 2002), Buug cilmi-baadhis ay ku sameeyeen Maxkamadaha iyo War-side la yidhaa University Times oo ay soo saaraan.

Xuska maalinta Jaamacadaha Somaliland oo markii ugu horeysay lagu dhawaaqay May 2, 2002, waxaana xafladdaa sannadkaa hore lagu qabtay hoolka Jaamacadda Hargeysa, taas oo lagu dhawaaqay in ay May 2 noqoto maalinta Jaamacadaha Somaliland. Xuska sannadkan oo ah kii labaad, waxa lagu Jaamacadda Camuud, iyadoo ay weftiga Jaamacadda Hargeysa uga qayb-galay khamiistii toddobaadkii hore ka ambabaxeen magaalada Hargeya, waxaanu ka koobnaa weftigaasi 65-qof oo watay 3 bus, waxaanay isugu jireen weftigaasi Maamul, Macallimiin iyo Ardayba, waxaana weftiga lagaga horyimid magaalada Gabiley, kadibna loo gelbiyay dhinaca magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay habeenkii jimcaha u hoydeen.

Top


Dawooyinka: Waxtarkooda iyo Waxyeeladooda, Q: Lixaad. By: Maxamed X. Daahir (Gud. Ururka Farmasiyada Somaliland).

Dawo kastaa waxay leedahay awood ay waxyeelo ku samayso. Inta badan waxyeeladaasi ma weyna, laakin marmar ayay aad u weyntahay. Bal an isku dayno inaynu ogaano sirta meesha ku jirta oo an helno nuxurka waxa ay dhakhaatiirtu inoo sheegaan. Waxaynu eegaynaa qaar ka mid ah dawooyinka ay sida badan dhakhtarradu innoo qoraan isla markaana waxaynu isku deyaynaa inaan daaha ka rogno awooda ay dawooyinkaasi u leeyihiin inay jidhkeenna waxyeelo gaadhsiiyaan. Matalan haddii aynu soo qaadanno dawada la yidhaa “Indomethacin”, waxy ka mid tahay doowooinka aad loo qoro, waxana loo isticmaalaa kaar jebin iyo bararka xubnaha ee weheliya xanuunka loo yaqaan “Rheumatoid arthritis”.

Hadaba Indomethacin sida qaalibka ah kaarka way jebisaa hase yeeshee cudurka kaarka sababay waxba kama beddesho, waxaanay keentaa waxyeelooyinka loo yaqaan “Adverse reactions”.

Inkasata oo aanay dawooyinkaasi dadkoo dhan ku keenin waxyeelada dadban “Adverse reactions” hadana waxa jira dad fara badan oo ay dhibaato u geeysato. Sida ay dhigaan kutubta Farmakolojiga kuwa ugu waaweyni 35 ilaa 50% dadka isticmaala dawadaas ayay ku keentaa “Adverse reactions” ilaa 20% kuwaa ka mid ahna wax khasab ku noqota inay joojiyaan isticmaalkeeda. Waxyeelada ugu badan ee ay dareemayaasha u geysato ayaa ah madax-xanuun xagga hore ah oo ay ku keento 25 ilaa 50% dadka isticmaala dawadaas. Hadaba dhakhtarkaagu ma kaaga digay inaad dawadaa joojiso hadaad madax-xanuun dareento? Mase kuu sheegay inaad dawadaas qadato cuntada dexdeeda ama markaad wax cunto oo keliya, maxaa yeelay waxay keentaa calool-olol fara badan? Ma kuu sheegay inaad dawadaa marka hore ku bilowdo dhoos yar dabadeed aad marba marka ka dambaysa yara kordhiso ilaa ad gaadhayso dhooskii caadiga ahaa. Mase kuu sheegay inaad mudada aad dawadaa qaadanayso baadhitaan dhiiga ah samayso si aad u hubiso inay dhiig-yaraan kugu keentay iyo in kale? Ma kuu sheegay iyadana inaad dawadaa joojiso isla marka aad xanuunkii ka bogsato? Haddii aanu waxaas oo dhan kuu sheegin markaa waxaa halkaa ka muuqata inaanu dhakhtarkaagu raacin tilmaamaha dawo qorista haboon “Prescribing guidelines.”

Dawooyinka loo yaqaan “Antibiotics” ayaa iyagana ay dadku si aad ah u isticmaalaan dhakhaatiirtuna ay aad u qortaa, Si xun-u-adeegsiga dawooyinkaasi wuuxu had iyo jeer keenaa dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay “Drug resistance”. Waxa qalad weyn ah in dawooyinka “Antibiotics” sida penicillin lagu daweeyo duri ama cuno-xanuun iyadoon la samayn baadhitaan oo aan la ogaan xanuunka waxa keenay inuu yahay “Virus” ama “Bacteria”, hadii u jeermisku yahay “Virus” markaa ma jirto antibiotic daweyn kartaa, hadiise u yahay “Bacteria” waa in markaa la baadhaa nooca ay tahay si loo siiyo dawada ku haboon, wakhtiga keliya ee Antibiotic wax lagu daweyn karaa iyadoon baadhitaan la samayn waa xaaladaha degdegga ah “Medical Emergency”, markaas oo ay furantahay in dawada qofka lagu sii bilaabo inta aanay natiijada shay-baadhku soo bixin.

Sida ay qortay jariidada la yidhaa “Essential Drugs Monitor” oo ay soo saarto Hay’adda Caafimaadka Adduunku (WHO), cadadkeedii 28aad iyo 29aad (2000), labaatan sanadood ka hor dhakhaatiirta waddamada hore u maray waxay rumaysnaayeen in cudurrada faafaa ay yihiin shaabuug dadka lala dhacayo oo ka yimid xilliyadii hore, hadaba markii ay timid wershadayntu ayaa horumar laga gaadhay fayo-dhawrka, guriyaynta, quudinta iyo weliba horumarin lagu sameeyay dawooyinka loo yaqaan “Antimicrobial” ee lagula dagaalamo cudurrada faafa, sidaa darteed ayay dadka ku nool dalalka hore u maray waxay nasiib u yeesheen inay yaraato tirada u dhimata cudurrada. Dalalka dunida seddexaad oo iyaga ay hadhaysay faqri iyo colaado aan dhammaad lahayn ayaan iyagu helin daryeel caafimaad, waxaana badanaa dalalkaas ka jirta si-xun-u-adeegsiga dawooyinka gaar ahaan kuwa lagula dagaalamo cudurada faafa “Antimicrobial” oo ay ku jiraan kuwa loo yaqaan antibiotics, waxaana halkaa ka dhasha inuu jeermisku samaysto awood uu dawooyinka iskaga caabiyo “Drug resistance”, taas oo dunidoo dhan ku faaftay oo hadda noqotay mashkilad weyn oo caalamka soo waajahday.

La soco.

Top


“Xadhiga Faysal Kaamil, Wuxuu Daliil U Yahay Cabudhinta Lagu Hayo Xisbiga KULMIYE,” C/casiis Samaale.

Hargeysa (Haatuf): Faysal Kaamil Ciise ayaa maalinimadii Khamiista ee toddobaadkii hore boolisku xidhay, wuxuuna hadda ku xidhan yahay saldhigga dhexe ee booliska Hargeysa, iyadoo uu Faysal xubin ka yahay golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Ciidanka boolisku ilaa hadda warar rasmi ah kama soo saarin xadhiga Faysal Kaamil, laakiin warar aanu ka soo xiganay saraakiil boolis ah ayaa tibaaxay inay boolisku xadhiga Faysal u aaneeyeen hadalo ka soo yeedhay oo toddobaadkii hore laga baahiyey qaar ka mid ah saxaafadda wadaniga ah, hadalkaas oo ay boolisku ku tilmaameen inuu hadal nabadgelyada dhaawacaya. Hase yeeshee madaxda KULMIYE oo arintan ka hadlay ayuu ku tilmaamaya xadhiga Faysal inay la xidhiidho arin siyaasadeed, taas oo ay ku tilmaameen inay qayb ka tahay cagojuglayn iyo hadidaad lagu hayo xisbiga KULMIYE.

“Xadhiga Faysal Kaamil waxaanu u aragnaa inay qayb ka tahay cagajuglaynta iyo dhibaatada lagu hayo xisbiga KULMIYE”, sidaa waxa yidhi C/casiis Samaale oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE oo ka hadlay xidhiga Faysal Kaamil, wuxuuna C/casiis intaa ku daray “Xadhiga Faysal waxa uu daliil u yahay cabudhinta lagu hayo xisbiga KULMIYE, wuxuuna dhaqanka caynkaas ahi waxyeelo weyn ku yahay nidaamka dimoqraadiyadda iyo hanaanka axsaabta badan, taas oo aanu u aragno inuu xisbiga UDUB ee hadda awoodda dawladda gacanta ku hayaa uu xidhxidhayo xisbiga kale, isla markaana waxay qayb ka tahay nabadgelyadarada ay madaxda UDUB wadaan”.

Top


“Xukuumaddu Waxay Ku Tagri Fallaysaa Awood Qayrul Dastoori Ah Xiligan,” wasiirka xidhidhka golayaasha.

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Aadan Maxamed C/laahi, ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay si khaldan oo qayral-sharci ah ugu tagri fallayso awooda maamul, wuxuuna sidaa ku sheegay war uu saxaafadda siiyay shalay.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, waxa kale oo uu intaa ku daray in hab-dhaqanka xukuumadda ee la xidhiidha natiijada doorashada uu yahay mid mugdi gelinaya sidii guusha ahayd ee ay dadweynaha Somaliland u coddeeyeen, wuxuuna yidhi: “Waxa nasiib-darro ah in madaxdii sare ee Qaranka in ay iskaga murgeen xilkii ay ummadda ugu adeegayeen iyo xisbiga UDUB oo aasaaskiisa hore ahaa mid lagu mataaneeyay xukuumadda, iyadoo aan wax sharci ah la waafajin, taasina waa ta keentay in xilligii doorashada uu xisbiga UDUB kaambaynkiisa u isticmaalo hantidii iyo awoodii ummadda ka dhexaysay.”

Wasiirku waxa kale oo uu yidhi: “Anigoo ka mid ah Golaha Xukuumadda, waxaan jeclahay in aan u iftiimiyo Golaha Xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland in awoodii dastuuriga ahayd ee naloogu igmaday xilalka aanu ummadda u hayno ay ku ekeyd April 14, 2003 oo ah maalintii doorashadu dhacday, xilligana aanu ku simayaal nahay, annagoo xilka ku simayna cidii si sharci ah loo soo doonto, sidaa awgeed nooma bannaana in aanu ku tagri-falno awood qayrul-dastuuri ah xilligan kala guurka ah, annagoo ku fushanayna danno gaar ah ama dano xisbi, waxaanan shacbiga iyo xukuumaddaba xusuusinayaa in doorashadu tahay mindi laba af leh, oo haddii sharciga iyo cadaaladda loo maro ay noqon doonto tallaabadii ugu qiimo badnayd, balse haddii la marin habaabiyo waxay keenaysaa burbur iyo cawaaqib-xumo aan laga soo kaban.”

Top


Maayarka Dagmada Gebiley Oo Beeniyay Warar Uu Baahiyay Wasiirka Hawlaha Guud.

Maayarka Dagmada Gebiley Oo Beeniyay Warar Uu Baahiyay Wasiirka Hawlaha Guud.

Gabiley (Haatuf): Maayarka Gabiley, Maxamed Geele Seed, ayaa beeniyay war uu baahiyay Wasiirka Hawlaha Guud, Cismaan Qaasim Qodax oo uu ku sheegay in ay roobab baabi’iyeen wadada isku xidha Kala-baydh iyo Wajaale, taas oo uu Maayarka Gabiley sheegay in aanay ahayn sida uu Wasiirku u yidhi.

Wasiirka Hawlaha Guud, wareysi uu siiyay qaar saxaafadda ka mid ah dabayaaqadii toddobaadkii tegay, waxa uu ku sheegay in ay roobabku baabi’iyeen wadada isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh, laakiin Maayarka Gabiley oo shalay u waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gabiley, Maxamed Xasan, ayaa wax ka beeniyay hadalka Wasiirka, wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan ka hadlay khasaare gaadhay beero iyo kaabadda ay ku dhammaato wadada u dhaxaysa labada dal Itoobiya iyo Somaliland, khasaarihii gaadhay buundadana waa tii hay’adda Jarmalka ahi tageen, wadadiina waa laga shaqeeyaa, kaabadiina waa la hagaajiyay, sidaa darteed anigu qoraalkaan qoray in wax laga qabto wadadaa iyo 18 beerood oo daadku qaaday, wadadaana waxaan idhi tayadeeda ayaa ila liidata, laakiin maan odhan lama samayn, Wasiirkuna wuxuu lahaa wado wanaagsan oo Caalamiya ayaan sameeyay, dhawr jeerna wuu ku celceliyay, markaa isagoo masuul ah ma aha inuu yidhaahdo Been-abuur baa la sameeyay, taasina meesha kuma jirto, haddii wadada wax ka sheegnayna wax baanu tilmaamay ee maanu odhan waxba lagama qaban, qollada qandaraaska qaadatayna dacaayad iyo cay toona naguma leh, laakiin cidda aanu wax weydiisanay waxay ahayd in ay wax weyn noo qabtaan.”

Maayarku isagoo la hadlaya wasiirka oo uu beeninayo hadalladiisa, waxa uu yidhi: “Adiga oo wasiir ah oo nin madaxa in shaqada wax laysaga tilmaamaa meesha way ku jirtaa, laakiin in joornaalo laysugu jawaabaa meesha kuma jirto.”

Maayarka Gabiley, waxa kale oo uu ka hadlay dhul Jeexmay ama dilaacay dhawaan, wuxuuna yidhi: “Saddex jeer ayaanu tagnay, iyadoo ay na weheliyeen Waiirka Deegaanka, Wasiir Ku-xigeenka Beeraha, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, xubno golaha deegaanka degmada ah iyo waxgarad kale, waanu soo eegnay, iyadoo la isla eegay sida wax looga qaban karo, waana laga ballamay.”

Top


“Waxa Naloola Dhaqmay Si Fool Xun, Iyada Oo Xataa Naloo Diiday Dadkii Na Soo Booqanayey,” wareysi - Odayaashii xisbiga Kulmiye ah lagu xayiray Gebiley.

Gabiley (Haatuf): Odayaal Xisbiga KULMIYE ka tirsan oo Jimcihii dorraad booqasho martiqaad ah ku tegay magaalada Gabiley, ayaa sheegay in Maamulka degmadaasi si foolxun ula dhaqmay, waxayna sidaa ku sheegeen wareysi ay qaar ka mid ah odayaashaasi siiyeen Weriyaha Haatuf ee Degmada Gabiley, Maxamed Xasan.

Odayaashaasi waxay sheegeen in ay Maamulka iyo Booliska degmada Gabiley si xun u handideen, iyadoo ay odayaashaasi meesha u tageen martiqaad ay u fidiyeen saaxiibadooda KULMIYE ee degmada Gabiley.

Cismaan X. Jaamac Guuleed oo ka mid ah odayaashaas ayaa isagoo ka waramaya sida loola dhaqmay, wuxuu yidhi, “Hudheelka Xaaji Askar ayaa nalagu casuumay, kadibna markii aanu fadhinay muddo shan daqiiqo ah, cuntadiina ay na hor taallo, ayaa Taliye Ku-xigeenka Booliska Gabiley oo ciidan Boolis ah horkacayaa noo yimid, wuxuuna ugu horeyn nagu yidhi; ‘waxan yaa watay, isa sheega maxaad ahaydeen, xagee baadse ka timaadeen,’ waxaanu u sheegnay in aanu nahay odayaal la soo casuumay, wuxuu haddana yidhi; ‘imika markay cunteeyaan ku celiya Hargeysa iyo meesha ay ka yimaadeen’.”

Cismaan X. Jaamac, wuxuu sheegay in loo diiday aqalladii loo goglay ee ay fadhiisan lahaayeen, kadibna maxbuus lagaga dhigay qol ka mid ah hudheelka, isla markaana Ciidan Boolis ah la dul keenay, loona diiday in ay dibadda u baxaan, iyadoo ay odayaashu halkaa ku xayirnaayeen ilaa sideedii cawaysnimo habeenimadii sabtidu soo gelaysay, laakiin aakhirkii waxa la sheegay inuu Maayarka Gabiley ka garaabay wixii dhacay, uuna ku tilmaamay inuu ahaa wax khalad ah.

Waxa kale oo odayaashaa ka mid ahaa, Caaqil Axmed Cismaan Guuleed, wuxuuna yidhi, “Waxaanu markiiba garanay in nabadgelyo-darro la abuurayo, kadibna waxaanu nidhi yaan loo dhaqaajin, waxaana naloo diiday halkii nalagu casuumay, nin Taliyaha Booliska Gobolka ah ayaa yidhi yay soo dhaafin hoolka Hotelka Xaaji Askar, ilaalo boolis ahna waa nalagu wareejiyay, iyadoo xataa naloo diiday cidii na soo booqan lahayd, laakiin annagu waxaanu ahayn dad shacbi ah oo aan wax hub ah sidan, horena Hargeysa ayaa naloogu casuumay ilaa afar meelood, meel kastana waanu ka hadlaynay, waxaanuna nahay taageerayaasha KULMIYE, isla markaana waxaa na casumay taageerayaasha kale ee KULMIYE, waxaanuna nahay dad walaalnimo iyo jacayl u yimi Gabiley.”

Abiib Aw Axmed oo ka mid ah xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa weriyaha Haatuf u sheegay inuu isagu ka mid yahay ragga casuumadda u fidiyay Odayaasha, wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay sida foosha xun ee loolla dhaqmay odayaashii martida u ahaa, isagoo yidhi, “Arrintani dawlad ahaan, xisbi ahaan iyo degmo ahaanba ceeb ayay noo keenaysaa, waanuna la yaabanahay dhaqankan, waayo, maanta haddii gabadh reer Gabiley ah nalaga soo doono, ma waxay noqonaysaa in ay cidda gabadha doonaysaa ogolaansho ka soo qaadato xukuumadda. Markaa miyaanay nasiib-darro ahayn, cidda aanu degaankayaga ka casuunay in loo caga-jugleeyo oo la yidhaahdo maxay doonayeen.”

Odayaashan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxay ka kala socdeen Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxayna maalmahanba socdaalo ku joogeen gobolka Hargeysa, iyaga oo ku yimid martiqaadyo ay ka heleen saaxiibadooda kale ee xisbiga KULMIYE.

Top


Maraykanka Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Qorshe Hubka Halista Ah Oo Ay Bandhigtay D. Suuriya.

Dimishiq (W. Wararka): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Collin Paul ayaa gaashaanka ku dhuftay barnaamij ay Dawladda Suuriya soo jeedisay, kaas oo ah in dhammaan dalalka Bariga Dhexe la baabi’iyo hubka khatarta ah ee wax gumaadda.

Kullan ay shalay wada yeesheen Madaxweynaha dalka Suuriya Bashar Al Asad iyo Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Paul, ayay ka wada hadleen arrimo khuseeya dhammaan dalalka mandaqadda ku yaal, kadib markii ay burburtay xukuumadda dalka Ciraaq ka tallin jirtay ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sadaam Xuseen.

Collin Paul, kadib kulankaa waxa uu warbaahinta u sheegay in aanay dawladda Maraykanku taageeri doonin barnaamijkan Suuriya, balse aanay ka go’nayn dawladdiisa in ay weerar ku qaado dalka Suuriya, iyadoo uu ku af-gobaadsaday in ay ka shaqaynayaan keliya sidii xasilooni uga dhici lahayd mandaqadda, laguna dhammayn doono mushkiladaha jira xal diblomaasi.

Paul, waxa uu intaa ku daray in khariidada Falastiin tahay sidii loo aasaasi lahaa dawlad Falastiin oo nabadgelyo kula noolaata dawladda Israa’iil, isagoo ku tilmaamay imaatinka jagada Ra’iisal-wasaaraha dawladda Falastiin ee Maxamuud Cabaas (Abu maasin) ku guulaystay ay wax weyn ka tari doonto sidii loo soo celin lahaa wada-hadalladii labada dhinac, waxaanu intaa raaciyay inuu rajaynayo in ay dawladaha kalena taas oo kale sameeyaan, sida Suuriya oo kale oo ay nabadi ka dhacdo.

Dawladda Suuriya oo xubin ka ah Golaha ammaan ayaa bishii April 16 soo hordhigtay Golaha ammaanka mashruuc ay ka dalbanayso Golaha Ammaanka fullinta go’aanada dawliga ah, kuwaas oo ka dhigaya dalalka Bariga dhexe oo ay ku jirto dawladda Israa’iil dalal ka madhan hubka khatar ah ee wax gumaada. Dawladaha Carabta ayaa dhammaantood taageeray mashruuca ay Suuriya soo bandhigtay. Dawladda Maraykanka ayaa dhawr maalmood ka hor ku eedaysay dawladda Dimishiq in ay haysato Barnaamijka horumariya hubka khatarta ah ee kimikada, waxaanu Collin Paul kulankiisii Madaxweynaha Suuriya ugu yeedhay in ay la aragti noqoto aragtida Maraykanka ee ku waajahan Bariga Dhexe, kadib markii ay burburtay xukuumaddii Ciraaq, joojisana taageerada ay siiso ururrada reer Falastiin iyo Xisbi-Laahi.

Booqashadan Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku, waxay ku soo beegantay, kadib markii in dhawayd werwer soo dhexgalay Washington iyo Dimishiq, iyadoo Maraykanku ku eedaynayay dawladda Suuriya in ay horumarinayso barnaamijkeeda Hubka Halista ah iyo in ay u ogolaatay Masuuliyiintii Ciraaqiyiinta ee hore in ay soo galaan dhulkeeda.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ninka Duday Distoorkiyo Waxyiga Diintii Ka Carow.

Ninka duday distoorkiyo waxyiga diintii ka caroowye dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Ereyadaasi waa ereyo ka da wayn 30 sanno waxaa laabtiisa ka soo maalay alla ha u naxariistee C/laahi Suldaan Tima-Cadde. Aamiin.

Ereyadani waa ereyo la wada yaqaan ciyaal ilaa ciroole se aad moodo in la isu adeegsado kaliya marka wax la iska ridanayo.. tima cadde markuu ereyadan tirinayay dabcan xaalada maanta taagan way ka duwanayd se bal ereyadu waa kuwo dhaxal noqda ereyadan iyo kuwa la midka ahiba ay jiridoonaan ilaa inta afkani ka jiridoono (Af-Soomaali) Ereyada abwankan hadaan kala qaado oon soo qaato ereyga hore ee ah Ninka duday distoorkiyo waxyiga diintii ka caroowye.. ereyadani waa ereyo qiimo iyo qaayoba ugu fadhiya dadka caqliga wanaagsan ee imaanku dheehanyahay markiiba waxaa kugu soo dhici karta in ereyadani xujo yihiin.

Runtii abwaanku marka uu ereyadan tirinayay macnahoodu waxa uu usocday sida ay u taaganyihiin abwaanka oo isla markaa dadka ku soo dabaalayay in bal in uun diinta loosoo laabto taasoo dawo u noqonkaraysay qabyaaladii iyo cilmi la aantii jirtay xiligaa.. wakhtigaa oo wax dagaal ah oo si xun la isu gumaaday aanu taariikhda ku soo marin iyadoo la isu gumaadayo kaliya qabiil ahaan dagaaladii ka soo maray dadka Reer somaliland dawlladii la baxday Kacaanka. Dagaaladani khaasere badan ayay gaysteen waxaad se moodaa in woxoogay khibrad ah laga faaiiday, khibradan oo ah in bal hadii qabiil qabiil ku dagdagi jiray ama odayaal qabiil ka socdaa xume ka talis la soo ordi jireen in bal maanta dib u yar hakiyaan arimahaas oo la wada ogaaday in qabiilna aanu quudhsan karayn ama aanu muquunin karayn qabiil kale xataa haduu dad iyo dhaqaaleba ka badanyahay kankale kolay khibradahaasi waa kuwooda wanaagsan.

In badan baad aragtaa wax wax ku siiya se wax wax kuu sheega in yarbaad aragtaa, dulucda nuxurkani waxay tahay hadaynu eegno xaalada maanta Somaliland taagantahay baa waxay tahay in muddo 12 sanno ah la waday sidii bal 30kii sanno ee ka ka lumay somaliland in bal ay si dagdag ah ku gaadho nasiib darro Somaliland waxyaabaha ay ku soo hagaagtay ilaa hadanna hortaagan waxa ka mid ah Dad aan dawlad lahayn oo jaar la ah Somaliland (Somaliya) dhanka kale waxaa inaga xigta Dawlad xumaantaada mooyee wanaagaaga aan ka talin (Jabuuti).

Xagga kale jaar waxaynu la nahay dawlad qadiimi ah oo jirtay wakhti dheer waxyaabaha aynaan isku keenayn waxaa ka mid ah dawladan iyo inaga waxa weyn ee mar walba tuhunku ka taagnaanayo oo ah Diimaha kala duwan oo mar ay noqotoba la iskaga hor iman doono ta dheeraadka ah oo ah in bal hadana xaqiiqda marka loonoqdo Ethopia ay isku dayayso in aan laga madaxbanaanaan oo ay isku dayayso in mar walba la hoos joogo oo loo baahdo.

Intaas oo arimood jamhuuriyadan u adkaysiga badan waxay ugu adkaysanaysay oo ahayd in bal ay isku duubnaan muujinayeen goor iyo ayaan shacabka.

Runtii hadaba waxaa la soo gaadhay xili aynu ka ilka dhacsano hab beeleedkii oo loo gudbo dimuqraadiyad iyo afkaar meel wada marta muran door leh ayaa hadaba dhex taagan labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye oo ku saabsan kii doorashadaa sida xalaasha ah u helay taas oo kama danbays ay maxkamada sare ee qaranku ansaxindoonto kooda guulaystay hadaba shacabyohow wanaagsani inagoo kala Xisbiyo ah hadana aynu is kuwada xisbi nahay oo 4jiho ee Somaliland jihada bada mooyee jihooyinka kaloo dhan ay inaga xigaan dad ay tahay in aynu ka foojignaano mar walba ayaa waxay tahay talada maantu in aan lagu jahawareerin xisbiyada koodii badiya oo kii badiyaba loo hogaansamo dhammaan taageerayaashii kala duwanaa, oo danta guud la eego, waa in la xasuusto in labada xisbi ee is eryanayaa labadaba si is le,eg loogaga codeeye dalka bari ilaa galbeed oo xisbina qabiil laguma tilmaami karo xisbina qabiil ma beer laxawsan karo dadka kala duwan oo fikrado ku walaaloobay weeye umada codaysay yaan la kala didin, hogaamiyihii xisbi ee duda ama ka dida go’aanka maxkamada sare waa in kaa dhan ha laga wada maro waayo wuxuu duulan ku noqon doonaa jamhuuriyadan dahabka ah.

Ugu danbayn iyo ninka duday distoorkiyo waxyiga diintii ka caroowye dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyeene dhammaan xisbiyadu waxay balanqaadeen in distoorka loo hogaansamo diintana lagu dhaqo dalka markaas ballan qaadyadaa xisbiyadu yaanay ka bixin.

Wabillaahi Towfiiq.

Cumar Cabdi Nuux.

calaydh2@hotmail.com
Helsinki Finland.

Top


Maxkamadda sare Ha Ka Digtoonaato Cawaaqib-Xumo.

Waxay ahayd 14/4/2003 markii ay dadweynaha reer Somaliland u dareereen cod-bixinta doorashadii madaxtooyada, waxaana miidaanka ku tartamayey saddex xisbi oo kala ah: KULMIYE oo uu ka sharaxnaa Axmed siilaanyo, UDUB oo uu ka sharaxnaa Daahir Rayaale iyo UCID oo uu ka sharaxnaa Faysal Cali Waraabe , ka dibna 19-kii Abril 2003 ayey guddiga doorashooyinka qaranku soo saareen natiijadii aan rasmiga ahayn ee doorashada, taas oo ay sheegeen inuu xisbiga UDUB xisbiga KULMIYE kaga guulaystay 80 cod, laakiin dhawaaqa guddiga ka soo yeedhay waxa uu bulshada reer Somaliland inta badan ku noqday yaab iyo qaadan-waa.

Waxaase meesha taal go’aanka komishanku ma waxa uu ahaa mid qarsoodi ah oo aanay cid kale la ogayn, mise mid lala ogaa.

Dhinac marka la eego waa maya, balse dhinac kale marka laga eego waa haa.

Marka la eego dadweynaha codkooda dhiibtay ee aan xog-ogaalka u ahayn arimaha siyaasadda ama aan ku jirin xayndaabka siyaasadda intooda badani xog-ogaal uma ahayn ama kama war qabbin cidda ay guusha doorashadu raaci doonto, waxayse u dhegtaagayeen go’aanka guddiga doorashada ka soo yeedha, laakiin saddexda xisbi ee tartamayey mid waliba goonidiisa ayuu u ogaa inta cod ee uu doorashada ka helay iyo inta cod ee ay labada xisbi ee kale heleen iyo weliba sida loo kala guulaystay, waayo xisbi kasta muraaqibkiisa ayaa u soo gudbinayey goob kasta sida loo kala helay codadka, iyadoo uu muraaqibku soo gudbinayey nuqul ka mid ah qoraalka goobta lagu kala saxeexday, tirooyinka muraaqibiintu u soo gudbiyaan ayuuna xisbi waliba isu geysan jiray, sidaa darteedna xisbina daah kama saarrayn tirada codadka uu helay, markaa waxay ahayd wax la wada ogyahay inuu KULMIYE doorashadii ku guulaystay, laakiin guddiga doorashooyinku waxay ku dhawaaqeen wax ka duwan sidii ay xaqiiqdu ahayd.

Waxa la yidhi “Siddan waan naqaanaa, siddana waa naqaanaa, hadiise ay gacantu siddan tahay sir bay hoos ku leedahay, sidaa awgeed waxa isu kaayo qabanwaayey xisbiga UDUB oo muddo dhawr cisho ah lagu qancinayey inay natiijada ku qancaan, hadana la yidhi way guulaysteen, taas oo ay su’aasha meesha taal tahay tolow markii ay guurtida u cabanayeen ma waxay lahaayeen guusha aanu gaadhnay nagu qanciya, mise waxay ahayd waanu guuldaraysanay ee noo soo gurmada.Guurtiduse marka ay leeyihiin arin nabadgelyo daro ayaanu u soconay ma waxa lagu yidhi KULMIYE ayaa guulaysanaya ee kaalaya ka hortaga.

Waxa wax lagu qoslo ah sawirkii ay xanbaarsanayd natiijadii ay guurtidu ku dhawaaqeen, taas oo muuqaalkeedu ahaa 3+3 oo halkii ay ka dhigi lahaayeen 6 ay u qoreen 4, laakiin komishanku saddex-saddex u gee ma garanwaayina arintu waa laf timir baa ku jirta. Hase yeeshee KULMIYE waxa uu maxkamadda sare ee ay hadda natiijadu gacanta ugu jirto marti uga yahay inay cadaalad wax ku go’aamiyaan, isla markaana ay maskaxda ku hayaan inuu aayaha gacantooda ku jiro. Laakiin hadii ay dhacdo inay doorashadii la galay dhicisowdo waa in cidda masuuliyadaa leh sharciga la horkeenaa, hadiise aanu nahay ururka dhalinyarada ee Saxan-saxo oo ka mid ah garabka dhalinyarada KULMIYE hadii ay dhacdo inay maxkamadda sare indhaha ka laliso dacwadda xaqa ah ee KULMIYe oo ay gar iyo gardaroba iyana ku dhawaaqdo sidii komishanku ku dhawaaqay waxay taasi keeni doontaa inaan mar dambe lagu dhiirran doorasho iyo kaambayn la galo. Waxaanuse maxkamadda sare leenahay haw dhug darraanina cawaaqibka ay yeellan karto cadaalad daro loo badheedhaa.

Amaga oo leh nabaad-guurka dhacay, komishanka yaa u warama, beentiyo naxliga aadmigu nacye, komishanka yaa u warama.

Mahad Jaamac Cali (Gudoomiyaha ururka) iyo Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Afhayeenka ururka iyo Cali Cumar Ciise (Madaxa wacyigelinta ururka).

Top


Maxbuus xor ma aha xaakimna ma noqdo.

Sida la ogyahay 14-kii Abril, 2003 dalka Somaliland waxa ka dhacay doorashadii madaxtinimada oo u dhacday si nabadgelyo ah, laakiin natiijada waxay gashay khal-khal, kaas oo ku yimi damaca xisbiga udub iyo odayaal la dhaqdhaqaajiyey, Taas oo aan aaminsahay in xisbiga UDUB iyo golayaashiisu markii ay ogaadeen in laga helay ay ka shaqeeyeen sidii wax qaldan loogu dhawaaqi lahaa, taas oo looga jeeday inuu KULMIYE dagaalamo , ka dibna halkaa xal lagu kordhiyo laga helo, laakiin may dhicin, waxaase mar labaad natiijo sax ah laga sugayaa maxkamadda sare, balse maxkamadda sare waxaad moodaa in gaadh laga hayo, taas oo ay xiliga shaqada ugu yaraan 50 askari joogaan, kuwaas oo ilaalinaya, waana ciidan ka amar qaata xukuumadda UDUB., markaa waxaan leeyahay maxkamaddu xor ma aha, ee waa maxbuus, sidaa darteed waxaan qabaa inaanay maxkamaddu natiijada saxa ah ku dhawaaqayn, sidii uu horeba ugu dhawaaqay wasiirka arimaha guduhu ee uu yidhi maxkamadda sare waxay ku dhawaaqaysaa intii ay guddigu ku dhawaaqeen, markaa mooyi inuu amar siiyey.

Waxaan markaa leeyahay maxkamadda sare waa maxbuus ee xornimo hala siiyo, maxkamadduna waa inay ku dhawaaqdaa natiijo aan shaki ku jirin oo lagu kalsoonaan karo, iyadoo ninka xaakinka ah looga baahan yahay masalo macquul ah, miyir qab iyo arin male gal ah.

Jaamac Ismaaciil Hawd, Hargeysa.

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub Q:29aad.

Ninkii qareenka ahaa waxa uu yidhi “ Islaama allay Ayaanle wuxuu leeyahay Awrka Faarax iga doonayaa inaanu muddo lahayn oo aanu xiliga uu amaanada kaga maqnaa cayinayn, ninka amaano ka maqan tahayna waa yaqaan inta ay ka maqnayd, markaa waxa uu ninkaasi iga doonayaa inay baadil tahay madaacalay baan ka ahay markhaati iga furta oo xeer-beegtina waan u leeyahay, dhibaabena waa nin leh.

Gartii waxay socotaba Faarax waxa naf u noqday inuu wixii aabihii dooni karo iyo wixii Ayaanle hooyadii ku cadaada lagu leeyahay isaga (Ayaanle), taas oo uu Faarax ku dacwiyey inuu wixii Ayaanle hooyadii lagu yeesho uu isaga xaq ugu leeyahay inuu siiyo. Sidoo kale Ayaanle waxa naf u noqday mar hadii aanu awrkaa midabkiisa sheegin, da’diisa sheegin, summadiisa sheegin iyo inaanu sheegin mudada uu ka maqnaa, inaanu waxa Faarax doonayo aanu caqliga saliimka ahi sax u arkayn, dabadeedna sidaas ayuu Ayaanle afartii qoddoba markhaati ugu helay inaan waxba lagu lahayn, ka dibna sidaas ayuu Faarax ku gar-waayey,
Ayaanlena loogu gar-waayey, sidaas ayeyna gartaasi ku gebagebowday.
Tusaale labaad oo ku saabsan sida loo gar-naqsado hadii aynu soo qaadano waxa ka mid ah “Nin baa Hal (Tulud) nirig wadata maal u siiyey nin inaadeerkiis ah, wuxuuna ku siiyey amaano shuruud leh, isaga oo ka baqe qaba inuu ninku caanaha Hasha u xisho oo ay nirigta caano la’aani ku dhacdo, ka dibna waxa uu ku yidhi “Si kasta haw baxdee hadii ay Nirigtu baxdo oo ay weliba caato u baxdo waan kaa doonayaa (Waan kaa qaandhabanayaa), hadii kale Hasha iska daa hayga kaxaysane”, ka dibna ninkii Hasha maalka ah doonayey wuxuu yidhi “Waar hadii ay Nirigtu baxdo waad igu leedahay ee Hasha I sii”, wuu siiyey, dabadeedna sidii ayuu Hashii ku kaxaystay, waxaase dhacday abaar xun oo Gaag-mareeba ah, ka dibna Nirigtii way baxday oo waxay raacday abaartii, iyadoo ay abaartaasi xoolihii Arliga joogayba dhamaysay marka laga reebo waxoogaayo Daandheer geel ah mooyee. Dabadeedna Hashii oo aan Nirigtii waddan ayuu berigii dambe u keenay , ka dibna markii uu Hashii ka gudoontay ayuu ku yidhi “Nirigtiina ii keen”, ka dibna wuxuu ku yidhi “Nirigtii kuuma hayo oo abaartii ayey raacday”.

Dabadeedna gar bay noqotay, ka dibna ninkii Hasha maalka u bixiyey ayaa gar-naqsaday oo wuxuu yidhi “Nirigtaasi waxay ahayd amaano shuruud leh oo waxaan idhi nirigtaasi hadii ay macaluul u dhimato waan kugu leeyahay, wuuna yeelay, sidaas ayuuna hashii iyo nirigteedii ku kaxaystay, inay sidaa ahaydna markhaati xog-ogaal ah oo iga furtana waan u haystaa, hadii ay taasi ii cadaatona inaan nirigtaydii ku leeyahay markhaati xeer-beegti oo iga furtana waan u leeyahay, waana dhaabadeeyey”ayuu ku soo xidhay, ka dibna Madaacalihii ayaa hadalka u baxay, wuxuuna yidhi “Inaan Nirigtaa ka kaxaystay oo ay ahayd amaano shuruud leh sida uu sheegay markhaatigii u fadhiyayow ka kac, milladina (Dhaar) iiguma timaado, waxaanse ka hadlay nirigtaasi hadii ay dhulka caws ka wayday, oo circa roob ka wayday, oo hooyadeed caano ka wayday, oo illaahay caano ka wayday, inaanay dayac aan dayacay u dhiman oo aan waxba laygaga helin markhaati xeer-beegti baan u leeyahay, qurdi iyo rugteedana waan ka fadhiyaa”, ka dibna waxa uu helay markhaati, dabadeedna nirigtii waa lagu waayey.

Tusaale saddexaad hadii aynu soo qaadano, waxa uu yahay “Wiil baa geeloodii xergeeyey oo guriga ka kaxeeyey, ka dibna intii uu geelu xergeynta ku maqnaa ayuu wiilkii geela kaxeeyey qayb geelii ka mid ah yarrad u bixiyey oo uu gabadh ka bixiyey, dabadeedna markii uu geelii keenay ayaa aabihii qabsaday oo uu ku yidhi waaryaa waa wiilka geelayga intii kale ii keen, ka dibna wiilkii baa yidhi aabe geela aan bixiyey aniga ayaa lahaa oo geelu waynaga dhexeeyaa”, ka dibna wiilkii iyo aabihii gar bay arintaa isaga dhigteen.

La soco.

Top


Jilbo-Dhiig, sheekadan waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 29.

Biixi markii uu arkay Libaaxii oo qaarka sare la kacay talo ayaa ku cadaatay, waxaana gashay baqdin, laakiin hadana ciilkii uu u qabay ayuu ka samri-waayey, sidaa awgeed waxa uu go’aansaday inuu is-biimeeyo oo bahalka la tiigsado warran afleh oo uu sitay, ka dibna markii uu waxoogaa u soo jiray ayuu warrankii la beegsaday, wuxuuna warrankii kala helay garka wadne, waxaana Libaaxii go’ay xawlal-mariidada, dabadeedna markii uu cabaar raftay ayuu naf-baxay, ka dibna Biixi markii u hubsaday inuu Libaaxii naf-baxay ayuu waxoogaa hilib iyo lafo ah oo raqdii gabadha ah soo urursaday oo uu tuurta ku soo qaatay, dabadeedna markii uu wax yar ka socday goobtii uu Libaaxa ku dilay ayuu xabaal-qodis bilaabay si uu hilibka gabadha ugu aaso, waxaase markii uu cabaar godkii qodayey u yimi dadkii degaanka u dhow deganaa oo ahaa dad cabsi xoog leh ka qaba Libaaxa, ka dibna ku farxay Libaaxii dad-qaadka ahaa ee laga dilay, waxayna la yaabeen geesinimada Biixi, isla markaana waxay la qodeen xabaashii, waxayna u keeneen wax uu cuno caano iyo hilib-ba.

Dadkii meeshaa ku noolaa Libaaxa uu Biixi dilay waxa uu marar badan kala tegay xoolo iyo dad-ba, laakiin ciddina kama dabategin, waayo waxa uu ahaa Libaax aad looga baqo oo kaynta looga waashay.

Biixi iyo dadkii degaanka ee xabaasha la qoday markii ay dhameeyeen ayey u duceeyeen, ka dibna markii lagu kala dareeray ayuu Biixi xagii reerkooda u baqoolay.

Gabadhii Xayaad waxa dareenkeeda si weyn u bud-dhigay jacaylka Biixi, laakiin markii Biixi la xidhay, ka dibna la soo masaafuriyey Xayaad lama socon xaaladiisa, waxayna inmuddo ah magaalada London ka baadhaysay Biixi, waxaayse beri dambe ogaatay in dalka Ingiriiska laga masaafuriyey oo uu Hargeysa tegay, dabadeedna waxay go’aansatay inay halkaa kaga dabatagto, ka dibna maalintii dambe ayey soo goosatay tigidh London ilaa Hargeysa ah, iyadoo baadidoonaysa Biixi , laakiin Xayaad waxay Hargeysa timi, iyadoo uu Biixi ka maqan yahay, waxaase loo sheegay inuu miyiga reerkooda jiro, ka dibna markii ay muddo ilaa hal toddobaad ah Hargeysa joogtay ayey maalintii dambe go’aansatay inay qabato miyiga la sheegay inuu Biixi jiro, waxayna raacday baabuur tegaya miyiga Biixi loogu tilmaamay.

Biixi waxa uu ku fara-adaygay oo weli fartiisa sudhan fargalkii ay Xayaad maalin maalmaha ka mid ah hadiyadda u siisay, kaas oo aanu wax kasta oo Xayaad dhexmaray aanu marna tuurin, wuxuuna fargalka Biixi fartiisa ka sudhani sababay inaanay Biixi mar keliya maskaxdiisa ka bixin xusuusta Xayaad.

Biixi markii uu ka faraxashay aaskii gabadhii uu la soo tegay ee Libaaxu cunay, ee uu ducadii u akhriyey, kana dhaqaaqaaay ayuu eegay fartiisa midig oo uu sudhan yahay fargalkii Xayaad, ka dibna waxa uu xusuustay gabadhii xayaad iyo waayihii jacayl ee dhexmaray, laakiin waxa uu cabaar maskaxdiisa ku gorfeeyey waayihii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay isla soo mareen isaga iyo xayaad, taas oo uu xusuustiisa ku soo gebagebeey ayaamihii u dambeeyey ee London iyo sidii uu u xumeeyey, laakiin Biixi inkasta oo uu waqti waqtiyada ka mid ah Xayaad salaanta sharciga ka qaadi-waayey oo uu colaad xun tusay, hadana marna jacaylkeedu kama bixin, sidaa darteed galabtaa waxay xusuusta Xayaad ku sii beertay jacayl hor leh, isaga oo markii uu lugaynayey naftiisa cabaar la sheekaysanayey isna waydiinayey su’aalo badan oo la xidhiidha xusuusta Xayaad, waxaana ka mid ahaa waxyaalaha uu xusuusta isku waydiiyey “Alla gabadhii Xayaad dheeraa meesha ay manta joogtaa, tolow ma nooshahay”.

Biixi intii uu soo lugaynayey aad buu isula soo sheekaystay, wuxuuna dib u xusuustay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo sida marka uu qorshe guur u tabaabushaystana ay masiibadu ula kulmayso, wuxuuna hoos-hoos ugu xanshaashaqayaa weedho ay ka mid yihiin “Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laabban”.

Biixi goorta uu lugaynayaa waa xiliga duhurka loo yaqaan, waxaana gelinkii dambe meel walba ka soo curtay roobab.

Biixi inkasta oo uu iswaydiinayo sua’aalo ay ka mid yihiin “Tolow gabadhii Xayaad ma nooshahay iyo tolow London ma tagtay iyo ma guursatay”, laakiin galabta su’aalahaa iswaydiinayo waxaanu ogayn inay ku jirta jiidda uu marayo oo halka uu London iyo cariga Ingiriiska u filayo waxay joogtaa meel aan ka fogayn , iyadoo isaga baadidoonkiisa uga timi ilaa London, galabtaana ay agtiisa marayso, iyadoo isaga doonaysa oo aan miyiga ay marayso muraad kale u lahayn. Laakiin Xayaad waxay saarran tahay baabuur, halka uu Biixi-na lugaynayo, isla markaana Xayaad waxay u socotaa jiidda uu Biixi reerkoodu degan yahay, halka uu Biixina baqoole u yahay jiiddii reerkoodu deganaa, ka dib markii uu ka soo fan-jeediyey hawl-galkii dilidda Libaaxa iyo aaska raqdii gabadhii uu la soo tegay ee Libaaxu ka qaatay, waxayse iswaydiintu tahay Xayaad iyo Biixi ma is heli doonaan, hadiise ay is helaan maxay isla muddan doonaan.

La soco.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga, Waxaa Qortay Ganat Ayaale Aambase Waxaan Turjumay Muuse shoodhe.

Mingistu: Taariku markii uu bilaabay hawsha guutadii loo bedelay ee Naadaw, ayuu ciidankii intaa awood ito tiro le’ekaa burburiyey, sida baabi’inta ciidanka nabadsugidda ah ee ku dhex jiray, kala daadinta ururada siyaasiyiinta ah, mooraljebinta ciidanka aiyo waxyaalo kale oo la mid ah, wuxuuna geystay dhibaatooyin aad u waaweyn, isaga oo xidhiidh la lahaa cadawga.

Anigu markii aan Ereteriya booqday wixii aan maqlayey ama aan la kulmay waxay ahaayeen wax aanan filayn inay dhacayaan ama la samayn doono. Tusaale ahaan taliyayaashii colalka iyo saraakiishii ciidanku way coloobeen, oo way kala qaybsameen, taas oo ay taliyayaasha colalku inta ay is-bahaysteen ay samaysteen urur iyaga u gaar ah.
Masalan waxyaalihii jiray waxa ka mid ahaa ciidankii oo kala qayb-qaybsamay, taliyayaashii ciidanka oo musuqmaasuq aafeeyey, sidoo saraakiishii siyaasaduna waxay iska galeen hawlo ganacsi, oo xataa iyagaaba diyaaradaha kala amrayey, taas oo ay nimanka saraakiisha ahi shirkadaha diyaaradaha ee Adis-ababa badeecadaha daabula ay wax allaale wixii ay doonaan ay u keeni jireen ama ay ka qaadan jireen, sidaa darteed meeshaba waxa ka dilaacay suuq ganacsi.

Dalka gudihiisa badeecadaha lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa Ereteriya lagu sameeyo, sida sharaabka oo kale askarta ayaa qiimo jabban lagaga iibin jiray oo meelahaa u kala iibgeyn jiray. Tusaale ahaan taliyayaasha ciidanka qaarkood waxay hawlaha ganacsiga u isticmaali jireen baabuurta iyo shidaalka dawladda, waxayna badeecadaha ay iibiyaan ka faa’iidi jireen lacag fara badan, waayo masalan dhalooyinka sharaabka ah ee Asmara gudaheeda laga siin jiray 20 Senti ama 30 senti ayey inta ay soo raraan oo ay furimaha dagaalka keenaan waxay askariga dagaalka ku jira ee uu dhiigiisu maalin walba qulqulayo dhalada sharaabka ah kaga iibin jireen 1 Birr (hal shillin oo lacagta Itoobiya ah), markaa nimanka taliyayaasha ahi nimankaa askarta ah ee dhiigoodu maalin walba qulqulayo ee dagaalka ku jira ayey ka dhex ganacsanayeen, iyaga oo lacagtaasna jeebadahooda ka buuxsanayey , taasi inay jirtona waxaan ka helay ciidanka dhexdiisa, waayo anigu inta aan ciidanka dhex tegay ayaan waraystay, waxyaalihii ay ii sheegeena waxa ka mid ahaa “Mudane gudoomiye run ahaantii dawladdu inay naga shaqaysato oo ay lacag naga faa’iido ayey doonaysaa sidaa miyaa arintu, laakiin hadii ay doonto arintu sidaa ha ahaato, anaguna inaanu iibsano waxba kama qabno, laakiin waxaanu ku waydiinay lacagta halkaa ka soo baxdaa khasnadda dawladda uun toos ma ugu soo dhacdaa”.

Su’aalahaa ayaa ka mid ahaa su’aalihii ay ciidamadu I waydiiyeen, laakiin arimuhu intaas oo qudha may ahayn ee xataa nimanka taliyayaasha colalka ahi qaarkood inta ay ninka guutada uga hooseeya kaga yimaadaan ayey Adis-ababa iska iman jireen oo hudheelada iska seexan jireen, waxa kale oo intaa sii dheeraa inta la yidhaahdo shaqooyin bay meesha u yimaadeen ayaa lacago dheeraad ah loo qori jiray, ka dibna inta ay fiidyowyo iska shitaan, isla markaana ay naago hoosta soo gashadaan ayey iska raaxaysan jireen, laakiin ciidamadu iyaga oo waxaas oo dhan arkaya ayey hadana iska dul-qaaddan jireen, waxayse taasi keentay inay ciidanka iyo taliyayaashoodu kala fogaadeen, taas oo aad moodaysay inay yihiin dad aan aqoonba isu lahayn ama is aqoon.

La soco.

Top


WAADIGA CIYAARAHA.

Manchester United Oo Qarka u Saaran Inay Qaado League-ga Sideedaad 11 Xili Ciyaareed.

Ruud Van Nisterloy ayaa 3 gool u dhaliyey ciyaartii shalay ee Charlton laga badiyey iyada oo ay ciyaartaasi muhiimad wayn ugu tahay naadiga Manchester dhianca Manchester oo koobka League sidaasi ku qaaday haddii Arsenal badin waydo saddexda ciyaarood ee u hadhay, oo ta u horeysa maanta (Axad) la leedahay Leads United waayo waxa laga horeeyaa 8 dhibcood waxaanay kala leeyihiin Manchester 8 dhibcood, Arsenal 72-aad dhibcood, haddii ciyaar kaliya laga badiyo waxa hadhay Arsenal iyada Manchester afar gool gool dheertahay waliba sida Arsenal.

Ta labaad oo ah Van Nistelroy oo markii hore sareeyey 2 gool oo lahaa 21 gool ayaa 3 gool dhaliyey oo yeeshay 24 gool oo hal gool ku hogaaminaya.

Haddaba ciyaartan oo la sheegay inay tahay ciyaartii ugu dambaysay ee David Beckam ee uu ku ciyaaro Old Trafford, iyada oo la xaqiijiyey in uu iibsan yahay ninkaasi, iyadaoon shaaca laga qaadin cida iibsatay, laakiin ay tahay ciyaartiisii u dambaysay, isaga oo shalayna dhaliyey goolka afraad ee Manchester ku guulaysatay.

Dhinaca kale Van Nisterlooy oo uu ciyaarayey keenay sagaashan ciyaarood oo guula isaga oo ciyaaray ilaa boqol ciyaarood.

Xili ciyaareedkana wuxuu dhaliyey 43 gool.

Top