Hargeysa Siminaar.
Baaq Nabadeed.
Maxkamadda Sare Ee Somaliland.
Marxuum Cigaal Kumuu Ahaa?
Maadaama Aynu Hayno Tubtiisii Cigaal Wuu Noolyahay.
“Maayarka Gebiley Markii Aanu Nidhi Maxaa Dhacay, Wuxuu Yidhi
Dhega-Weyne Ayaa Magaaladaa Jooga,” Shir-Jaraa’id - Odayaal KULMIYE Ah.
Waadiga Ciyaaraha.
Dildilaac ubaxa iyo kacaan dhergiga.
Jilbo Dhiig.
Gole Islaam.
Axmed Cali Garas ayaanu wax ka weydiinay intii uu ka
yaqaanay Madaxweynihii hore ee Somaliland (Alle ha u naxariistee) Marxuum
Maxamed X. Ibraahim Cigaal.
|
|
Hargeysa (Haatuf) Siminaar socday
laba cisho oo ay ka soo qayb galeen 38 xubnood oo ka kala yimid
degmooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera iyo Gebiley ayaa shalay lagu
soo gebagebeeyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Siminaarkan oo lagaga hadlayey sidii loo samayn lahaa joornaal saddexdii
biloodba mar soo baxa, joornaalkaas oo arrimaha dhalinyaradda wax ka qori
doona, sidoo kale lagu wacyi-gelin doono dhalinyarada sidii looga hortagi
lahaa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS iyo arrimo la xidhiidha arrimaha
bulshada.
siminaarkan oo ay maal-gelisay hay'adda UNICEF uuna fuliyey ururka
wadaniga ah ee HAVOYOCO, joornaalkaas oo uu soo saari doono ururka
HAVOYOCO uuna maamuli doono guddi ka kooban 10 xubnood.
Kamaal Maxamed Faarax oo ka tirsan masuuliyiinta HAVOYOCO ayaa sheegay
inay hawshan soo wadeen muddo ku dhaw laba sano, ayna maanta ku
guulaysteen sidii loo heli lahaa joornaal ka hadlaya arrimaha bulshada,
iyo ka hortaga AIDS-ka kaasoo saddexdii biloodba mar soo bixi doona.
Grace Kyeyune oo ah madaxa hay’adda UNICEF ee Hargeysa ayaa hadalo kooban
halkaa ka tidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in shir hawleedkani uu soo
gabagaboobay, uu guul ku dhamaado, waxaanan aad uga helay magaca aad u
bixiseen magazine-kaa magacaas oo ah KOOR, taas oo geela loo xidho si
aanay u lumin, inaguna ka lumi mayno mawduucan” ayey tidhi Grace Kyeyune.
Top
Hargeysa (Haatuf) Baaq Nabadeed ay soo Saareen
Culimaa’u Diinka Ahlu -Suna Wal-Jamaaca Ee Gobolka Hargeysa Shalayto ayaa
ugu baaqay xisbiyada siyaasiga ah inay tixgaliyaan go’aanka ay soo saarto
maxkamada sare, intaa waxay raaciyeen in looga baahan yahay xisbiyada
siyaasiga ahi inay ilaaliyaan rabitaanka dadweynihii sida quruxda badan
ugu codeeyey, baaqasina waxa uu u qornaa sidan:
Dhamaan madaxda iyo dadweynaha sharafta leh ee uu ku socdo baaqani waxaan
u soo jeedinaynaa kana codsanaynaa in doorashadii madaxtinimada Somaliland
sidii sharafta iyo nabadgalayada lahayd ee codbixinteedu ku dhacday in
natiijadeeduna ku dhamaano isla markaana lagu foojignaado wax khal khal
galin kara nabadgalyada dalka.
Sidaa darteed waxaan si sharaf iyo xishmayn leh uga codsanaynaa axsaabta
siyaasiga ah ee dadweynuhu codkoodii siiyeen in marka natiijada kama
danbaysata ah ku dhawaaqdo maxkamada sare in mid waliba ku qanco,
dadweynuhuna uma baahna wax nabadgalyadooda wax u dhimaya, dadweynihii
idiin siiyey codkooda sida dharafta leh idin kama mudna natiijada ka dib
wax ka nixiya, in ay idinka soo baxaan waxa kale oo dadweynaha Somaliland
Culimadu loo socodsiinayasaa shacabka iyo xukumadaba in la wayneeyo xuska
munaasibada dhalashada Rasuulka (NNKHA) oo aynu galnay bishii uu dhashay.
Allaa Mahad leh.
Magacyada Culimada Baaqa Soo Saaray:
Sh. Maxamuud Sayid Xuseen.
Sh. C/qaadir Sh. Axmed Cali Weerar.
Sh. Axmed M. Axmed ( Ayatulah)
Sh. Max’ed Macalin Axmed
Sh. Max’ed C/laahi Aw Cilmi
Sh. C/raxmaan Nuur C/laahi
Sh. C/raxmaan Yaasiin Jaamac
Sh. Xasan I. Max’ed
Sh. Axmed C/laahi Maxamed
Sh. Ibraahim Diiriye Bilaal
Sh. Muxumed Cali Ogaadeen
Sh. C/rashiid Sh. Cali Cumar
Sh. C/rashiid Sh. Axmed Abgaal
Sh. C/raxmaan Sh. Faarax Jaamac
Sh. Axmed Caabi Cabdi
Sh. M.Rashiid Sh. Xasan Guuleed Top
Maxkamadda Sare Ee Somaliland. |
Hargeysa (Haatuf): Warar ka soo baxay ilo lagu
kalsoon yahay oo ku dhowdhow maxkamadda sare ee Somaliland ayaa tibaaxay
inay maxkamadda sare Sabtidii doraad guddiga doorashooyinka dib ugu
celisay qoraalka natiijadii aan rasmiga ahayn ee ay guddiga doorashadu ku
dhawaaqeen 19-kii bishii Abril,iyadoo ay guddigu natiijada ay ku
dhawaaqeen maxkamadda u soo gudbiyeen 25-kii Abril.
Waxay arintani ka dambaysay markii uu murran xoog leh oo la xidhiidha
ciddaay guushu raacday ka dhex-aloosmay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.
Hase yeeshee waxa aan weli laga war hayn inay labadan xisbi dacwadahooda u
soo gudbiyeen maxkamadda iyo in kale, waxayna dadka reer Somaliland si
weyn ugu dhegtaagayaan halka uu ku dambayn doono muranka labada xisbi ee
UDUB iyo KULMIYE, oo ka dhashay dhawaaqii natiijadii ku meel gaadhka ahayd
ee guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen 19-kii April iyo waxa uu noqon
doono go’aanka maxkamadda sare, iyadoo ay guddiga doorashooyinku
go’aankooda aan rasmiga ahayn ee ku dhawaaqidda natiijada doorashada ku
sheegeen inuu xisbiga UDUB 80 cod kaga guulaystay xisbiga KULMIYE.
Hase yeeshee xisbiga KULMIYE ayaa sheegay inaanu ku qanacsanayn natiijadda,
isla markaana waxay ku andacoodeen inay iyagu ku guulaysteen
doorashooyinkaa, balse la khalday isu geynta natiijadda, waxayna maalmo ka
dib soo bandhigeen meelaha ay wax ka khaldan yihiin iyo tirooyin ay
sheegeen in la is-dhaafiyey, iyada oo dhinaca kalena uu xisbiga UDUB ku
dooday in laga xanibay sanaaduuq badan oo ay ugu jireen codad badani,
waxayna arrimahaas oo dhani abuureen, dareen xasaasi ah oo ka dhashay
natiijaddii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka qaranku, iyada oo ay
natiijadda rasmiga ah ku dhawaaqayso maxkamadda sare.
Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa sheegay dhinacooda inay 25-kii April u
gudbiyeen maxkamadda sare natiijaddii ay ku dhawaaqeen ee ku meel gaadhka
ahayd, waxayna dadka reer Somaliland u dhegtaagayeen go’aanka maxkamadda
sare, iyo sida ay noqon doonto natiijadda muranka ka dhex abuurtay labada
xisbi ee KULMIYE iyo UDUB.
Hase yeeshee waxa muuqda dareen ka dhashay maxkamadda oo aan ilaa hadda
laga war hayn, inay dacwadaha axsaabtu soo gaadheen iyo inkale.
Waxa kale oo aan iyana maxkamaddu faah-faahin ka bixin qaabka loo qaadayo
dacwadahaasi, iyada oo ay maalmihii ina dhaafay qaar ka mid ah goob
joogayaasha caalamiga ah oo u dhegtaagayey ama daba socday halka ay ku
dambayso natiijadda doorashadu iyo saxaafadda Somaliland oo doonayey inay
maxkamadda ka helaan faah-faahin la xidhiidha qaabka loo qaadayo dacwadaa
aanay maxkamaddu wax tibaax ah ka siinin, waxayna arrintaasi noqotay mid
abuuri karta dareen shaki ah iyo tuhun ka dhasha marka ay bulshadu weydo
wararka ay u dheg taagayaan, isla markaana waxay arrimahaas caqabad ku
noqon karaan, go’aanka aanay waxba aanay dadku waxba kala socon ee ay mar
kaliya ku dhawaaqdo maxkamaddu, kaas oo keeni kara khilaaf ka daran kii ka
dhashay natiijadda ku meel gaadhka ah ee doorashada, iyada oo ay dadka
dareen shaki ah ku abuurtay weedho dhawaan ka soo yeedhay masuul sare oo
ka tirsan xukuumadda, isla markaana ka mid ah xubnaha xisbiga UDUB, oo mar
wax laga weydiiyey arrintaa natiijadda uu sheegay inaanay maxkamaddu waxba
ka bedelayn wixii ay guddidu u soo gudbiyeen, taasina waxay noqotay mid
sii xoogaysa tuhunkii iyo shakigii ay sababeen, war la’aantu, waxayna
noqotay arrin si gaar ah ay uga dideen xisbiga KULMIYE oo ay muranka
guusha doorashooyinku ka dhaxeeyeen xisbiga xukuumadda ee UDUB.
Si kastaba ha ahaatee waxa aan dafiri karin waxyaabaha ka dhalan kara,
haddii aanay dadku helin xogaha iyo wararka ay u dhegtaagayaan ee
saamaynta weyn ku yeelan kara bulsho ahaan iyo qaran ahaanba, kuwaas oo
aan loo soo marin warbaahinta la socodsiisa xaqaa’iqa iyo dhacdooyinka
jira.
Waxayna taasi dawo ka tahay go’aan mar keliya lagu dhex tuuro oo aan waxba
lagala socon, sidii dhacday maalmihii natiijadda doorashada oo dad badani
rumaysan yahay inaanay dhaceen muranka iyo khaladaadka xiligan taagani,
haddii ay natiijada doorashooyinka warbaahintu u gudbin lahayd bulshada
degmo walba xisbi waliba inta uu ka helay, arrintaas oo ahayd mid ay
guddida doorashooyinku saxaafadda kaga codsadeen inaanay waxba ka sheegin,
taasina ay keentay muranka maanta taagan, sidaa awgeed maxkamadda waxa
looga baahanyahay macluumaadka ku saabsan arrimahaa ee la xidhiidha
natiijadda doorashooyinka iyo dacwadaha horyaala.
Top
Marxuum Cigaal Kumuu Ahaa? |
3-dii May 2002 ayuu alla ha u naxariistee
marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Madaxweynihii Hore ee Somaliland) ku
geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu
tagay caafimaad.
Marxuum Cigaal waxa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1928-kii, sidaa
darteed markii uu geeriyooday waxay da’diisu noqonaysaa 74 jir, wuxuuna ku
dhashay magaalada Oodweyne ee gobolka Togdheer, marxuum Cigaal
dabayaaqadii afartamaadkii ayuu waxbarasho u tagay dalka Ingiriiska
wuxuuna dib uga soo laabtay horaantii kontameeyadii xiligaas oo ay
Somaliland ka aloosnayd dabayshii gobonimo doonka, iyada oo wakhtigaa ay
Somaliland ka talinaysay mustacmarkii Ingiriisku.
Sanadkii 1956-kii ayaa marxuum Cigaal loo doortay xoghayaha guud ee
xisbigii SNL safka hore kaga jiray xisbiyaddii u halgamayey gobonimo
doonka Somaliland, laakiin bishii February ee 1960-kii ayuu marxuum Cigaal
oo hogaaminaya wefti Somaliland ah qalinka ku duugay heshiis dhigaya inay
Somaliland xornimadeeda ka qaadato boqortooyadda Ingiriiska 26 June ee
isla sanadkaa, waxaana ka mid ahaa xubnaha weheliyey Cali Garaad Jaamac,
Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale iyo Maxamuud Cabdi Carraale,
26-kii June 1960-kii markii ay Somaliland xornimadeeda qaadatay marxuum
cigaal wuxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Somaliland laakiin afar
maalmood ka dib ayey Somaliland la midawday Soomaaliya, oo 1dii Julay
1960-kii xornimadeeda ka qaadatay mustacmarkii Talyaaniga, waxaana
Muqdisho laga dhisay Jamhuuriyadii la odhan jiray (Jamhuuriyadda
Soomaaliya) wuxuuna marxuum Cigaal xukuumadii halkaa laga dhisay ka noqday
wasiirkii Gaashaandhiga, laakiin markale ayuu sanadkii 1963-kii noqday
wasiirka tacliinta, wuxuuse jagadaa iska casilay 1964-kii, isaga oo
hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ah oo la odhan jiray SNC, wuxuuse
markii dambe ku biiray xisbigii SYL.
10-kii July 1967-kii ayuu marxuum Cigaal noqday ra’iisal wasaaraha
jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo uu markaa madaxweyne ka ahaa C/Rashiid Cali
Sharmarke, laakiin marxuum Cigaal sanadkii 1969-kii ayuu marlabaad noqday
ra’iisal wasaaraha jamhuuriyaddii Soomaaliya.
Hase yeeshee 21-kii October 1969-kii ayaa xukuumaddii marxuum Cigaal la
inqilaabay, waxaana inqilaab Milatari ku qabsaday saraakiil Milatari ah oo
uu horkacayey Maxamed Siyaad Barre, oo markaa ahaa taliyaha ciidamada
Jamhuuriyaddii Soomaaliya, isla markaana marxuum Cigaal waxa loo taxaabay
xabsiga.
1975-kii ayaa xabsiga laga sii daayey marxuum Cigaal waxaana laga dhigay
danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Hindiya, laakiin sanad ka dib
oo ahayd 1976-kii ayaa mar kale xabsiga lagu celiyey, wuxuuna ku jiray
ilaa 1981-kii, xiligaas oo la soo daayey.
Markii ay burburtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee Jamhuuriyaddii
Soomaaliya ka talin jirtay waxa uu marxuum Cigaal ka qayb galay sanadkii
1991-kii shir ay magaalada Djibouti ku yeesheen kooxaha Soomaaliya,
laakiin shirkaasi ma midha dhalin, wuxuuna marxuum Cigaal yimid Somaliland
oo ay markaa ka talinaysay xukuumadii ururka SNM dhisay, ee uu
madaxweynaha ka ahaa C/Raxmaan Axmed Cali, laakiin 5tii may ee 1993-kii
ayaa shirweynihii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama Marxuum Cigaal
loogu doortay madaxweynaha Somaliland, markale ayaa marxuum Cigaal
shirweynihii Hargeysa 1997-kii dib loogu doortay madaxweynaha Somaliland,
wuxuuna geeriyooday isaga oo xilkaa haya.
Marxuum Cigaal intii uu noolaa wuxuu guursaday shan dumar ah, laakiin mid
qudha ayaa carruur u dhashay, taas oo ah Marwo Caasha Siciid Caabi,
waxayna u dhashay shan carruur ah, (3- wiil iyo 2-ba gabdhood.)
Hase yeeshee si aanu wax uga ogaano dabeecadihii iyo dhaqamadii
siyaasadeed ee marxuum Cigaal waxaanu wax ka weydiinay dad kala duduwan,
oo ay ka mid yihiin dumarka uu guursaday qaar, siyaasiyiin la soo
shaqaysay iyo dad aqoon kale u leh.
Dadkaa waxaa ka mid ah Edna Aadan oo ka mid ah dumarkii uu guursaday,
waxayna tidhi “Marxuum Cigaal wuxuu ka mid ahaa raggii hormoodka ka ahaa
halgamadii gobonima doonka Afrika sida Kwama Nkruma Ghana, Juluis Neyrere
Tanzania, iyo rag kale, marxuum Cigaal waxaanu isbaranay 1954-ka
dhamaadkiisii, waxaananu isk baranay magaalada London oo uu waxbarasho u
joogay, aniguna aan waxbarasho u tagay” Marwo Edna iyada oo ka
sheekaynaysa sidii ay isu guursadeen marxuum cigaal waxay tidhi “anigu
waxaan Soomaaliya ku soo noqday 1961-kii markaas oo uu marxuum Cigaal ahaa
wasiirka gaashaandhiga Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ilaa markii aanu
isbaranay ilaa iyo 1961-kii ismaanu arag, laakiin xidhiidh waraaqo ah iyo
marar uu telefoono iisoo diray ayaa jiray, balse markii aan waxyar wadanka
joogay ayaa aabahay Aadan Dhakhtar Xamar ku dhintay markaas ayaan Xamar
tagay halkaas ayaanu ku kulanay marxuum Cigaal, laakiin 12-kii April
1963-kii ayaanu ku aqal galnay magaalada Hargeysa, wuxuuna arooskayagu ka
dhacay miiska saraakiisha” marwo Edna waxa kale oo ay ku tilmaantay inuu
Marxuum Cigaal ahaa siyaasi qayb weyn ka qaatay halgankii gobonimo doonka
Somaliland ee xiligii Ingiriiska, iyo guud ahaan xarakaadkii siyaasadeed
ee qaaradda Afrika, sanadihii kontomaadkii ilaa lixdamaadkii.
Marwo Kaltuun oo ah gabadhii u dambaysay ee uu marxuumku guursaday ayaanu
iyana wax ka weydiinay dabacadihii marxuum Cigaal waxayna tidhi “Marxuum
Cigaal qofba si buu u haystay, balse anigu waxan ku sifayn karaa inuu ahaa
qof xagga diinta ku dhaw, waxa kale oo uu ahaa qof abwaan ah, gabayadana
aad buu u qaban jiray, una gabyi jiray, wuxuu ahaa qoraa had iyo jeer wax
qora. Dadka waaweyn ayuu aad u ixitiraami jiray, sida madax dhaqameedka,
siyaasiyiinta iyo dadka kale ee waaweyn. Hobigiisa ugu weyni wuxuu ahaa
wax akhriska, wax qorista iyo filimada oo uu aad u jeclaa, kutubta uu
akhrisan jiray waxay u badnaayeen kuwo siyaasadeed iyo kuwo taariikh ah,
anigu horena waan u sheegay haddana waan sheegayaa inaan mustaqbalka
sheegi doono wax badan oo aan xog-ogaal u ahay, marka aan jaaniskeeda helo.
Sida aad ogtihiin aniga iyo marxuum Cigaal isku reer baanu ka soo jeednaa
waliba aad isugu dhaw, markaa waxyaabo badan baanu ka sheekaysan jirnay,
inkasta oo aanan Inqilaabka Waxba ka weydiin.”
Rag dhawr ah oo aanu aaminsanahay inay wax ka yaqaaniin dabeecadihii
siyaasadeed ee marxuum Cigaal, kuwaas oo ay intooda badan marxalado kala
duduwan isla soo mareen marxuum Cigaal xiliyadiisii kala duwanaa ee
Soomaaliya iyo Somaliland ayaanu wax ka weydiinay, laakiin ka gaabsaday
inay wax faalo ah ka bixiyaan xumaan iyo samaan toona, hase yeeshee Axmed
Siilaanyo oo ka mid ah ragga aanu kala sheekaysanay dabeecadihii iyo
dhaqamadii marxuum Cigaal, ayaa isagu tiraabay, iyada oo Axmed Siilaanyo
mar wasiir ka ahaa xukuumadii marxuum Cigaal ee Somaliland, waxaana
tafaasiisha Axmed Siilaanyo ka mid ahaa “Markii aan anigu iskuulada
gelayey ayuu isaguna ka baxay, inkasta oo aanu isniqiin, waxay markii u
horeysay shaqo na dhexmartay markii uu ra’iisal wasaaraha ahaa, wakhtigaas
oo aan xataa u raacay safaro badan oo debadda ah. Dabcan marxuum Cigaal
maaha nin dadka maanta loo sheegayo ee wuxuu ahaa siyaasi caan ah,
taariikho badana soo maray”.
Axmed Siilaanyo mar wuxuu ahaa mucaarad ku kulul hogaankii madaxweyne
Cigaal, marna wuu la shaqaynayey oo wuxuu ahaa wasiir xukuumadiisa ka
tirsan, sidaa darteed isaga oo arrimahaa ka sheekaynaya wuxuu yidhi
“Siyaasadu waxay leedahay gufaacooyin fara badan, wakhti dadku isku dhaco,
iyo mar aragtida lagu kala duwan yahay, sidoo kale way jirtay muddooyin
badan oo aanu wada shaqaynaynay marxuum Cigaal, markaa anigu waxaan qabaa
wuxuu ahaa nin waxyaabo badan oo dhinaca siyaasadda ku dhiiran, wuxuuna
ahaa nin weyn oo caan ah, balse Ilaah baan khaldamine, khaladaad mararka
qaarkood way jireen, waxaana ka mid ahaa dabeecadihiisii dad badan bay
iska horiman jireen, balse ma ahayn nin colaada guntada, waayo masalan
idinka oo maanta dagaalamaya oo uu cir, dhul iyo bad-ba kugu soo
dhaqaajiyo, haddana way hawl yarayd marka uu arko in dantu ku jirto ta
dalka ha noqoto, ama tiisaba, inuu si fudud heshiis kuula noqda, taasna
waxaan qabaa inay ahayd calaamadaha waaweyn ee uu lahaa.”
Axmed Siilaanyo waxa uu marxuum Cigaal ku tilmaamay inuu ahaa siyaasi weyn
oo magac leh iyo inuu ahaa madaxweynihii Somaliland, isla markaana uu ahaa,
nin lagu aamini karo hogaaminta dalka iyo dadkaba, oo aan looga wer-werin.
Abwaan Cabdi Aadan Qays oo ay marxuum Cigaal mar ku wada xidhnaayeen
xabsigii laanta Buur ee duleedka Muqdisho sanadkii 1974-kii ayaanu isna
wax ka weydiinay wixii uu ka yaqaanay dabeecadihii Cigaal, wuxuuna yidhi
“Horta Alla ha u naxariistee Marxuum Cigaal iyo anigu isku da’ maanaan
ahayn, waxaase iigu horeysay aragiisa, jeelka, 1974-kii oo aanu laanta
Buur ku wada xidhnayn, halkaas oo uu midkaayaba qol ku xidhnaa, dabadeed
waxaan halkaa ka tiriyey gabay aan idhi “Cigaal iyo halkii lagu hayey,
ayaa cawda la ii dhigaye, Abshir baanu ciilkiyo hurdada cidhif wadaagnaaye,
gufaaciyo ka kuu xiga cadhada taahiiye, Cabdi iyo Siciid baa ku jira
ceerigaa kale, midkaayaba cidlaa lagu xidhoo lama isma ciirsade, codka
guuxa mooyee mala sheeko caadiye, waa meel cadaab laga metalay
camaladeediiye,”.
Wasiirka Duulista hawada Maxamed Cabdi Dheere ayaa isna erey ka yidhi
taariikhda Marxuum Cigaal isaga oo ku tilmaamay “marxuum Cigaal wuxuu
Somaliland u ahaa Maxamed Cali Jinaaxii Pakistan iyo Hindiya kala saaray”.
Top
Maadaama Aynu Hayno Tubtiisii Cigaal Wuu Noolyahay. |
Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabi yo isaga
iyo intii muslinaba, manta waxay ku began tahay sanad g uuradii kowaad ee
ka soo wareegta markii ayaynu helay warkii naxdinta lahaa ee geeridii
madaxweynaheenii M.E.Egal marka ugu horeysana waxan leeyahay maadaama aynu
nahay dad muslina ineynu 4 (Afar) faataxo u marno.
Marlabaadka sideynu ogsoonahay ataariikhdiisa kuma soo koob I karo halkan,
laakiin waxan wax ka yar taabanayasidu horseedka ugu ahaa ileyskii
dimuquradiyada ee habka axsaabta badan (Multi Party System) mudo qarni ku
dhawaada.
Horaantii sanadihii kontaneeyadii markii ay soo dhacdey dabayshii neecawda
xoriyada ayey dawlada Ingiriisku soo jeedisay inay abuurtaan axsaab
siyaasi ah islamarkaana la qaado afti dadweynahu ku muujinayaan codkooda.
Waxa la abuurey saddex xisbi oo kala ah NUF, SNL iyo isbahaysigii USP (Allaince),
waxaana ku guuleystey tallada dalka xisbigii SNL.
Madaxweyne Cigaal oo hogaaminaya xisbiga SNL iyo wefti uu hogaaminaayo
ayaa u ambabaxey 1958-kii cariga Ingiriiska London waxaanu sexeexay in
Somaliland gobanimadeeda qaadato bisha June 1960-ka.
Sidaa ayey ku dhaqan qaateen nidaamkii xisbiyada badani ilaa iyo waqtigii
inqilaabku ku dhcay xukuumadii uu hogaaminayeey Cigaal oo ahaa
raysal-wasaarihii ugu horeeyey doorashadii ugu dambeysey ee ka dhacdey
Somaliland 1969-ki.
Waxaan odhan karaa madaxweyne Cigaal mar labaad ayuu huriyey laambadihi
dhucaaca badnaa ee bakhtiisnaa mudo rubuc qarni ah, kuwaas oo kaa hii
dimuquraadiyada ka bidhaamiyey gayigan markii uu ku dhawaaqey xisbigiisi
ugu horeeyey ee UDUB, kaas oo ay diiwaan galiyeen Gudida Diiwaan galinta
Axsaabta Siyaasiga ah oo hore u qabanqaabiyey madaxweynuhu, kadibna golaha
wakiiladu soo ansixiyeen, ilaa mantana inoo dhex ah.
Sidaa daraadeed, maadaama aynu ilaa manta hayno tubtii habooneyd ee aynu
kaga soo gudubney habkii qabaliga ahaa, isla markaa aynu ugu soo gudubney
habka axsaabta badan, iyo dastuur boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%)
loogu codeeyey, kaas oo uu inoo jeexay Cigaal, waxaynu odhan karnaa
Maxamed X. Ibraahim Cigaal muu dhiman ee wuu noolyahay.
Ugu dambeyn waxan leeyahay madaxweyne Daahir Rayaale ha ilaabin saaxiibkaa
iyo macalinkaagii siyaasada, hadii maxkamada sare go’aanka kama dambeynta
ah kuugu dhawaaqdana waxa kula gudboon inaad shantaa sannadood gudahooda
aad madaxweyne Cigaal ku Sawirto lacagaha, maadaama uu ahaa ninkii seeska
u dhigey qaranimada wadankan (Founder Of Somaliland), xisbiga UDUB-na uu
ka dhigey mid dhidibadaiisu adag yihiin.
Maxamed Axmed (Bare Aduuyo), Freelance Writer.
Top
“Maayarka Gebiley Markii Aanu Nidhi Maxaa Dhacay, Wuxuu Yidhi
Dhega-Weyne Ayaa Magaaladaa Jooga,” Shir-Jaraa’id - Odayaal KULMIYE
Ah. |
Hargeysa (Haatuf) Odayaal ka tirsan
taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka Burco, Oodweyne, Berbera,
Iyo Hargeysa oo maalintii jimcihii dabayaaqadii todobaadkii hore lagu
marti qaaday degmada Gebiley ayaa cabasho iyo dhaliilo u soo jeediyey
xukuumadda, Ciidanka booliska iyo maamulka degmada Gebiley, sidii ay ula
dhaqmeen duqaydaas.
Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Ming-sing Restourent ee Hargeysa
ayey kaga hadleen hadidaad iyo falalkii foosha xumaa ee loo geystay iyo
sidii ay xukuumaddu uga hor istaagtay marti qaadkii ay reer Gebiley ka
heleen, waxaana ugu horeyn halkaa ka hadlay Axmed Yuusuf Ducaale oo ka
tirsan madaxda xisbiga KULMIYE wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay:
Bishan labadeedii falka ka dhacay Gebiley oo odayaal ka tirsan xisbiga
KULMIYE, odayaashaas oo ay qaybi ahaayeen reer Gebiley, qaybta kalena ay
ahaayeen xisbiga KULMIYE dhawr magaalo ragii hogaanka u hayey ilaa
Oodweyne, Burco, Berbera iyo Hargeysa kuwaas oo lagu marti qaaday Gebiley,
ujeedadiisuna ahayd xisbiga KULMIYE duqaydiisa iyo odayaashiisu in ay
isbartaan arrin dushooda ka dhacay oo aan qurux badnayn oo fool xun taas
bayna duqaydu ka hadlaysaa.”
Intaa ka dibna waxa halkaas ka hadlay Xirsi Xuseen Faarax oo odayaasha ka
tirsan wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “waxa aanu ahayn odayaal ka kala
yimid Burco, Oodweyne, Berbera iyo Hargeysa oo ku walaalo ah xisbiga
KULMIYE uuna kulmiyo xisbigaasi, laba casuumadood oo hore ayaa Hargeysa
naloogu sii sameeyey, casuumadii saddexaad waxa naloogu sii diyaariyey
magaalada Gebiley halkaaaas oo aanu barasho u tagnay, walaalahayaga
KULMIYE aanu wada nahay ee Gebiley ay nagu soo dhaweeyeen, Hoteelkii aanu
ku degnay ee cuntada naloogu sameeyey, waxa nagala kulmay fal aad u fool
xun, markii aanu cuntadii afka saarnay waxa nalagu qabtay qoryo, askartii
qaranka oo kuwayagii ah, taasina waxa la yaab leh bay nagu noqotay,
askartii qaranku waxay hadal ku bilaabeen waar waxa ma adaa waday, oo ay
ku yidhaahdeen Dr. Obolos oo na soo dhaweynayey waxa la yaab leh bay
noqotay taasina, arrintii iyada ahaydna waxa aanu ogaanay in la doonayo
halkaa aanu martida ku tagnay iyo casuumadda in xumaan lagu bedelo
dabadeedna waanu ka hortagnay dhibaatadii, dadka reer Gabileyna way kaceen,
waananu dejinay, haddaanu odayaashii nahay anaga oo ka fekerayna xumaanta
la doonayo in aanay anaga gacantayada ka dhicin,, odayaashii na soo
dhaweynayey baanu ku qancinay hadaanu odayaashii socotada nahay in aanu
dejino dadka reer Gebiley Ilaahayna wuu naga aqbalay, saacadu waxa ay
ahayd 2:00PM duhurnimo gurigii aanu deganayn waa naloo diiday, dabadeedna
gurigii gogoshii naloogu soo guray oo huteelka dhexdiisii baa naloo keenay,
halkaa waxa noogu yimid ninkii magaalada Maayarka ka ahaa waxa aanu ku
nidhi maadaama aad duqii magaalada tahay maxay waxani nagu qabsadeen,
Dhega-weyne ayaa magaalada jooga ayuu noogu jawaabay, maayarkii, sidaa la
ajligeed baa la idiin ciqaabay, dee Dhega Weyne muwaadin baanu ku ogayne
goormaa xuquuqdii Somaliland laga qaaday, baanu ku nidhi, arrintaasi nama
qancin waxaanu u aragnay xisbiga UDUB oo ku milmay xukuumada marka
siyaasadda laga badiyo, xisbiga KULMIYE wuxuu u adeegsadaa askartaa
qaranka, nabad gelyada Ilaahay baa bixiya UDUB-na nabad gelyada ayey
sheegataa, Ilaahay baana bixiya, oo nabada shacbiga ayaa keenay
ilaashanayana, sidaa loo dhaqmayaana ma aha mid sharciga dalka uu dhigayo.”
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Dr. Obolos iyo duqay kale kuwaas oo dhaliilo
u soo jeediyey xukuumaddu sida ay ula dhaqantay iyada oo adeegsanaysa
ciidamada qaranka.
Top
Ciyaarihii wiiga ee Spanish-ka.
Real Madrid oo gurigeedii lagu garaacay 5-1.
Naadiga Real Madrid ayaa maalintii sabtidii naadiga Mallorca 5-1 iyada oo
ciyaarta ka dhacday garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu Stadum,
iyada oo wada ciyaareen ciyaartii 32-aad ee League-ga oo ah ciyaaritii ugu
horeysa ee gurigeeda laga badiyo 50 ciyaarood oo Leugua. Iyo Leugua hore
ka mid ah, goal-kii ugu horeeyay waxa iska dhaliyey difaacyahanka Difaaca
ah ee Roberto Carlos waxana Malorca afarta Goal ee kale weeraryahanka reer
Uruguay ee Walter Pandianei, Albert Riera, Samuel Eto’o iyo Carlos
Dominguez.
Hadaba Malorca oo laba sanno ka horna hore ugu badisay naadiga Real Madrid
ayaa sanadkanna sidaa foosha xun ugu badisay, Dhinaca kale mar uu
tobabaraha Real Vicente Del Bosque la hadlaayey Saxaafada waxa uu cadeeyey
oo uu yidh: “ Naadiga Malorca oo naga fiicanyahay anaga, anigu lama
yaabayo inay naga badiso Malorca Anigu waxaan Leeyahay Khibrad igu filan
oo aan ku kala garan karo naadiga iga fiican iyo naadiga aan ka fiicanahay,
kubada cagtana waan aqaanaa.”
Dhinaca kale mar uu lahadlaayey saxaafadda tobobaraha Malorca Gregorio
Manzano wuxuu yidhi: “ Waxaanu ciyaarnay ciyaar aad u fiican, waxaanu ku
maamulnay ciyaarta inaanu kantaroolno, markii ay nerfis noo noqdeena waanu
ka faa’iisaysanay, marar ayey ku fiicantahay naadiyada waaweyni inay
iskaga biiraan naadiyada yar-yar.” Ciyaartaa maalintaa dhacday waxay ula
mid tahay ciyaartii ay Power House-ka Spanish-ku (Real) Khasaraan ee
dhacday December 4, 1999 Ciyaartaas oo Zaragoza kaga badisay 5-1 Real
Madrid.
Hadaba naadiga Real Madrid oo dhibic ku hogaaminaaya Liiga Spanish-ka oo
leh 64 dhibcood halka ay labada naadi ee kaalinta labaad ahi ay leeyihiin
Real Sociedad 63 dhibcood Deportivo De La Coruna 63 Dhibcood.
Hadaba Ciyaartaas oo uu ka maqnaa weeraryahanka Real Madrid Raul Gonzalez
oo uu kaalintiisii uu ka ciyaaraayey Steven McManaman oo u sameeyey
Goal-ka kaliya ee ay Real dhalisay, Goal-kaas oo uu dhaliyey Ronaldo,
Goal-kaas oo ahaa Goal-kii 300 (Sadax Boqolaad) ee uu dhaliyo inta uu
ciyaaraayey kubada cagta, 298 Goal waxa uu u kala dhaliyey Qaranka Brazil,
Cruzeiro, Psv Eindhoven, FC Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid, 2-da
Goal ee kalena waxa uu ka dhaliyey Ciyaaraha FIFA ay qabato sida Yurub iyo
Xidigyada Aduunka.
Ronaldo Af-Dheere waxa uu dhaliyey Liiga Spanish-ka 17 Goal, halka Roy
Makaay uu ku hogaaminaayo goolalka liiga Spanish-ka 27 Goal, isla
maalintaa sabtida ayaa Real Soceidad ku qaraacday naadiga Savilla 1-0,
Goal-kaas oo uu dhaliyey Xabi Alonso oo ah 21 Jir uga ciyaara khadka dhexe
naadiga Sociedad.
Ciyaarihii Maalintii Axada Ee Spanish-ka.
Deportivo Lecoruna ayaa ku durdurisay naadiga laan-gabka ah ee Recreativo
De Huelva oo kaga adkaaatay 5-0, Waxaana Deportivo u kala dhaliyey shantaa
Goal Roy Makaay 3 Goal, Victor Hal Goal, Valaron-na Hal Goal Sidaas ayuu
Roy Makaay oo lahaa 24 Goal oo hore ku gaadhay 27 Goal oo Goal-Dhalinta
Liiga Spanish-ka ku hogaaminaayo.
Sadaxda Goal ee Barcelona waxa u kala dhaliyey Luis Enuaqire, Saviola iyo
Over Mars.
Ciyaarihii Ingiriiska.
Nadiga Manchester Utd. Oo Ku Guulaysatay Koobkii Liiga Ingiriiska
Waxay ku guulaysatay koobkii 8-aad 11-kii xili-ciyaareed ee ugu danbeeyey
markii laga naadiga Arsenal Ciyaartii Axadii 3-2 oo ay kaga badisay
naadiga Leeds Utd, oo ka cararaysay inay hoos ugu dhacdo naadiyada
kaalinta Labaad oo gali lahayd hadaanay ka badin Arsenal.
Halkaas oo ay Arsenal ku gashay kaalinta labaad New Castle-na kaalinta
3aad, waxaana kala leeyihiin Manchester Utd. 80 Dhibcood, Arsenal 72
Dhibcood, New Castle 68 Dhibcood, Kaalinta afaraadna waxa ku gorgortamaya
Liverpool iyo Chelsea oo labaduba leh 64 Dhibcood, Shantaa naadi ee aynu
soo sheegnay waxa mid kasta u hadhsan hal ciyaar Arsenal oo ay u hadhsan
tahay laba ciyaarood mooyaane.
FC. Porto oo ku Guulaysatay Liigii Wadanka Boortaqiiska markii 19-aad
Bayern Munich waxay ku guulaysatay liigii Jarmalka.
Juventus ayaa u dhaw inay qaado Liigii Talyaaniga oo Sideed Dhibcood ka
horaysa Naadiga Inter Milan oo kaalinta labaad ku jirta, halka ay AC
Milan-na ka horeyso 10 Dhibcood, iyada oo ay ka hadheen ciyaaraha Liiga
Talyaaniga 3 Ciyaarood oo qudha.
Top
Dildilaac ubaxa iyo kacaan dhergiga. |
Dildilaac ubaxa iyo kacaan dhergiga.
Mingiste: Markii aan kormeeray ee aan dhexmaray, ayaa la yidhi “Waxaa soo
dhammi in ay jiraan miyaad ogayd? Kadibna waxaan ku idhi ciidankii: “Waa
maxay sababta aad u qarinaysaan waxa jira ee aad u sheegi waydeen
waxyaalaha aad tuhunsan tihiin in ay jiraan?” kadibna fursadaa markii aanu
siinay, waxay u noqotay mid ay ku sheegan karaan dhibaatooyinka lagu hayo,
balse qaar ka mid ahi taliyayaashooda way ka mahad sheeganayeen, halka ay
qaar kalena ka lahaayeen waa nala dhacay, waa nala garaacay iyo waxyaalo
kale oo ay aad uga cawdeen.
Runtii waxyaalo badan ayaa fashilmay, waxyaalahaasina sababta ay ku
fashilmeen ama ay ku soo baxeen waxa uu ahaa dedaalkii uu muujiyay Kasaaye,
waayo inta uu arrintaas daba-gal ku sameeyay, annagana na soo ogaysiiyay
ayuu dibadda u soo saaray wixii jiray oo dhan, laakiin Taliyayaashii
ciidamadu way qaniineen, waxayna yidhaahdeen, “Muxuu ahaa ninka Booliska
ee ina jebiyay.”
Siday doontaba ha ahaatee, Kasaaye intii uu annaga kormeerka nagula jiray
ama ka hor wixii uu arkayay ha ahaatee, waxa uu soo qoray warbixin aad u
wanaagsan oo xog-ogaal ah.
Marka aan u soo laabto ninka la yidhaahdo Taariku, isagu waxa uu ka mid
ahaa oo uu weliba ahaa kuwii ugu horeeyay dambiilayaashii dacwadda lagu
soo oogay ee ugu horeeyay. Warbixinta uu Kasaaye soo gudbiyay oo keliya
laguma soo dacwayn ee waxa kale oo soo dacweeyay xubno kale oo ka mid ah
ciidankii uu xukumayay, masalan taliyayaashiisii intii ugu dhadhawayd ee
haysatay qaybta labaad ee ciidanka kacaanka, ayaa ka mid ahaa dadkii soo
dacweeyay. Tusaale ahaan, Gudoomiyihii haystay ciidanka qaybta labaad iyo
ku-xigeenkiisii ayaa soo dacweeyay Taariku, iyaga oo yidhi, “Taariku,
intii naloo soo beddelay boqolaal askari ayaa inta ay fakadeen oo cadowga
u galeen, kadibna noola soo saftay, kuwa fakadayna waxa ka mid ahaa xubno
ka tirsanaa qaybta ololaha cas, xubno nabad-sugidda ah, xubno
isgaadhsiinta ah iyo xubno kale oo ka kala tirsan qaybaha ciidanka,
kadibna inta ay sirtayadii oo dhan ay u gudbiyeen ayay dhibaato weyn noo
geysteen, waxayna taasi nagu kalifi jirtay in aanu marba beddelno codadka
isgaadhsiimaha, jadwalada ololaynta iyo hawl-galada, laakiin Taariku waxa
uu garanwaayay in ay sirtu fashilmayso, taas oo ahayd inuu nasoo ogaysiiyo
ama isagu ka taxdiro waxyaalaha la soo gudboonaada oo uu go’aan ka qaato,
waxna ka qabto, balse inta uu iska aamusay oo gacmaha iska laabto ayaanu
cidna juuq u odhan, waxna qaban, taasina waxay keetay in inta uu cadowgu
ka faa’iidaysto uu khasaare aad u ba’an noo geysto. Warbixinadii muhimka
ahaa ee ciidamada sirta u ahaa inta uu si caddaana taararka ugu gudbiyo
ayuu wararkii muhimka ahaa gacanta u geliyay cadowgii. Laakiin marka aanu
waxyaalo sir ah oo qarsoodi ah aanu amar ku soo siino taararka, waxa uu
nagu soo odhan jiray, “Waxaas iyo waxaas ayaad igu soo amarteen, balse
anigu amaradaa ku maan qancin,” taasna wuxuu noogu soo gudbin jiray
isgaadhsiinta caadiga ah ee aan qarsoodiga ahayn, kadibna waxaanu
isweydiinay taasi maxay ka dhigan tahay, waxayna ahayd mid uu ku
fashilinayo waxyaalaha aanu ka cabanayno, isagoo sirtayada dibadda u
saaraya.
Intaa marka laga yimaado waxa ka sii darnaa amarka aanu siinayno inta uu
fashiliyo ayuu cadwogayaga gacanta ka gelin jiray warbixinta muhimka ah ee
loo gudbinayo. Tusaale ahaan, Agaasimaha ururka oo keliya maan ahayn ee
waxaan ahaa ee qayb dhan ayaan Taliye ku-xigeen ka ahaa, markii aan
kormeerka ugu tegayna sharaftii ama xushmadii aan ka mudnaa imuu siin.
Ciidankii uu madaxda ka ahaa waxa ku dhashay shaki ay ka qabeen inuu
ninkaasi cadowga xidhiidh la leeyahay, taliyayaashiisuna kuma ay
kalsoonayn. Masalan xilligaa ka hor gaashaanlihii 35aad ee Humara joogay
inta uu tegay ayuu cadowga la soo saftay, waxaana la sheegay inuu isagu ka
dambeeyay. Masallan meesha la yidhaahdo Maqale, Wayaanuhu markii ay soo
weerareen ee ay gudaha soo galeen, kadibna ay dhulka la simeen wixii
boolis ahaa magaalada Maqale joogay, kadibna ay Mooryaantii xabsiga ku
jirtay oodda ka qaadeen, iyadoo aanu hawl-galkoodu ahayn mid degdeg ah ee
uu ahaa mid ay si tartiib ah u fuliyeen, taas oo ay nimanka maxaabiista ah
inta ay magacaabaan ayay qunyar marba mid u yeedhayeen oo la sii daynayay,
kadibna markii isaga (Taariku), qaylo-doonkii loo keenay ee looga waramay
wixii magaalada ka dhacay iyo halka ay xaaladdu marayso wuxuu ku jawaabay,
“Anigu xabsiga ma ilaaliyo,” iyo waxyaalo kale ayuu jawaab uga dhigay.
La soco.
Top
Wiilkii markuu yidhi: “Aabo geella aan bixiyay
anigaa lahaa, waayo Geellu wuu inaga dhexeeyaa.” Ayaa odayga iyo
wiilkiisii gar isu qabsadeen, waxaana mudici noqday odaygii, wuxuuna ku
dacwiyay, duco iyo didiif kadib, wuxuu yidhi, “Islaama Allaay, inanka
anigaa dhallay, geellaygana in aan lahaa oo aanu habeen tulud ku soo darin
markhaati xog-ogaal oo iga furta ayaan u leeyahay, mar haddii ay caynkaa
tahay in aan anigu geellaa leeyahay markhaati xeer-beegti oo iga furta
ayaan u leeyahay, isaga oo aan dhallan in la iga dhacay oo aan ka daba
duulay oo xabad feedhaha ugu dhigay, geerina ugu badheedhay oo aan sidaa
ku soo dhacsaday, kuna dhaqay markhaati xog-ogaal oo iga furta ayaan u
leeyahay, haddii uu odhan doono waan ku tabcay oo tacab ma qado, inuu
isaguba (wiilka) tacabkaygii yahay oo aanu waxba taasna igaga helin
markhaati iga furtaan u haystaa, haddii ay taasi ii cadaato in aan
geellaygii ku leeyahay baan markhaati haystaa, waana uga fadhiyaa, waan
dhaabadeeyay.”
Kadibna wiilkii baa u baxay, wuxuuna dacwadiisa ku bilaabay, “Islaama
Allaay, waxaad markhaati ka ahaataan in aabahay golaha iiga qiray inuu I
dhalay. Waxa intaa ii raaca inuu geellaa soo dhacay isaga oo aan hooyaday
qabin, aniguna aanan dhallan isna wuu qiray, anigana markhaatigii u
fadhiyow ka kac, miladina iiguma timaado. Inuu aabahay golahaas ka qiray
inuu geellaa xabad ugu badheedhay oo geeri ku talo-galay, sidaasna ku
dhaqay idinkuna waad maqlayseen, markhaatigii u fadhiyowna ka kac,
miladina iigu timaado. In aan hooyaday la qabin oo aanan uur ku jirin, oo
tagoog awoow aanan ku jirin ee aabahay noollaa oo uu ahaa kaa wax dhacayay,
isna wuu qirtay, anna waan u furay.
Mar hadduu aabahay qirtay inuu geeri u badheedhay oo geella sidaa ku soo
qaaday, anna aanan dhallan, hooyadayna aanu qabin, in aan la socday oo aan
tagoogiisa ku jiray markhaati iga furtaan u leeyahay. Markaa haddii ay ii
cadaato in aan la socday haddii uu dhinto in anna la dhimman lahaa oo
khasaaraha geerida meesha timaada aanu u sinayn, wixii faa’iido ahna in
aanu u siman nahay oo aanu sidaa geella ku soo wada dhacnay, kuna wada
leenahay markhaati iga furta ayaan u leeyahay.”
Gartu markii ay halkaa maraysay, ayaa wiilkii markhaati u dhacay, kadibna
wiilkii iyo aabihii geellii way wada yeesheen, odaygiina wuu ku gar waayay.
Tusaale kale; Beri baa waxa dhacday gabadh la qabo (Afo) ayaa waxay
cidiisa maqashay sac ruqo ah, indhaheedana way ku aragtay, ka dibna way u
xuluulaysay, wayna ruqo qaaday, dabadeedna markii ay muddo sidaa ku wadday
ayaa maalintii dambe roobkii da’ay, sidaa ayuuna Sacii ku soo doogay oo uu
xoolihii arliga joogay ka mid noqday, dabadeedna Sacii wuu tarmay oo waxa
ay isaga iyo dhaleeyadiisii noqotay 70 neef oo Lo’ ah, ka dibna markii ay
tarrantii Sacu halkaa maraysay ayaa maalintii dambe waxa dhimatay
islaantii reerka ee Saca xanaanaysay, ka dibna waxa 70-kii Sac dareersaday
wiilkeedii, dabadeedna odaygii ayaa wiilkii ku yidhi, “Lo’da igu soo
wareeji” wiilkiina wuxuu sheegay in lo’da hooyadii uga dhimatay, sidaana
uu ku mulkiyay, isaga oo go’aankii ku soo ururiyay; “Aabo gar ceeb la’
baan kuu hayaa.”
Kadibna wiilkii iyo aabihii waxay isla tageen gole xeer-beegti oo loogu
gar qaaday, kadibna odaygii oo muduci ah baa yidhi, “Islaama Allaay,
Sacaasi ma ahayn duunyo raac, ee tacab buu guriga ku yimi, tacabkaasina
wuxuu ahaa kii xaaskaygii oo heshay isagoo ruqo ah (caato la fadhiistay),
kadibna way u xululaysay, wayna ruqo qaaday, markaa markhaati xog-ogaal
ayaan u haystaa in wixii aanu xayskaygu iila iman ee aniga oo qaba soo
galay ama tacab ha ku soo galo ama dhibaad ha ku soo galee in aan anigu
leeyahay markhaati shareeco oo iga furta ayaan u haystaa. Markaa anigoo
qaba inuu sacaasi ku yimi tacabkii xaaskayga, marka aan markhaati u helo
in aan leeyahay in aan lo’daa leeyahay muduci baan ahay, rugteedana waan
ka fadhiyaa.”
Wiilkii oo madaacalay ah, ayaa gartii u baxay, duco iyo didiif kadibna
wuxuu yidhi, “Xigaalow, hooyaday in ay ahayd aabahay xaaskiisii, anigana
ay hooyaday ahayd isna wuu qiray, anna markhaati iguma furo, milidani
iiguma timaado, ee markhaatigii u fadhiyow ka kac.
In aan saca lo’dani ka dhaqan tahay aanu xaaskiisa kale ku tabcin ee ay ta
ku tacabtay tahay hooyaday markhaati xog-ogaal oo iga furta ayaan u
haystaa.
In ay isna xaas u ahayd, anigana hooyaday ahayd oo ay noo kala badhnayd oo
isagu qaarka dambe lahaa oo ay uga dhali jirtay, aniguna aan qaarka hore
lahaa oo ka jaqi jiray, oo ay igu xambaari jirtay, oo ay gacmaha igu habi
jirtay, oo ay dhegaheeda oohintayga ku maqli jirtay, oo ay indhaheeda
tabaaladayda ku arki jirtay, oo ay intaasiba qaarka hore yihiin oo aan
anigu qaarka hore lahaa, markhaati xeer-beegti oo iga furta ayaan u
haystaa.
Mar haddii ay sidaa noogu kala badhnayd oo isagoo qaarka dambe ka
shaqaysanaya, ay anigana qaarka hore iigu adeegi jirtay ee ay ii aamusiin
jirtay marka aan gogosha ka tago ama aan ooyo, mar hadday caynkaas tahay
in aan qaarka hore sidaa ku leeyahay, maadacalay baan ka ahay, qurdi iyo
rugteedana waan ka fadhiyaa.
Mar haddii saca lo’dani ka farcantay ay cidda dhegeheeda ku maqashay, oo
indhaheeda ku aragtay oo gacmaheeda ugu xululaysay ay hooyaday tahay oo
intuba qaarka hore yihiin, madaacalay baan ka ahay, markhaati iga furtana
waan u leeyahay.”
La soco.
Top
Xayaad waxay saaran tahay baabuur, waxayna u
socotaa jiidii loogu sheegay Biixi reerkooda. Sidoo kale, Biixi wuu
lugaynayaa wuxuuna ku socdaa gurigoodii. Sidaas darteed, Xayaad iyo Biixi
waxay galabtaa labaduba ku socdaan gurigii Biixi Aabihii (Reer Mooge),
laakiin isma oga.
Biixi galabta waxa xusuustiisa mar qudha ka bixi wayday Xayaad, balse
wuxuu u filayaa Ingiriiska iyo inta ka shishay sa, marna isma laha meel
kuu dhow ayay joogtaa.
Maalintaa waxa da’ay roobab mahiigaan ah, kuwaas oo dhulka aad u dhasay,
sidaa darteed baabuurkii ay Xayaad saarnayd waxa uu ku limaday ama galay
meel dhexe, kadibna Biixi oo lugaynaya, aadna u daallan ayaa maqlay
gaadhiga hortiisa ka guuxaya, dabadeedna guuxii gaadhiga ayuu soo raacay,
hase yeeshee markii uu xoogaa u soo jiray ee uu gaadhigii u muuqday ayuu
istaagay, isaga oo iska hubsanaya gaadhigu wuxuu yahay, laakiin dadkii
gaadhiga saarnaa oo dhulka jooga ayaa u gacan haadiyay oo ku yidhi, “Waar
kaalay gaadhiga nala qod oo meesha nagala saar.”
Biixi wuu u yimid, wuxuuna ku biiray raggii gaadhiga qodayay.
Xayaad, dhulka uma soo degin ee waxay saaran tahay gaadhiga shidhkiisa,
waxayna isha ku haysa Biixi oo ku foorara hawshii qodista gaadhiga,
laakiin Xayaad inkasta oo ay isha ku dhufatay inuu qofku yahay Biixi,
haddana weli aad uma hubto, wayse ku dheygagtay, iyadoo doonaysa in ay
wejigiisa aragto si ay u xaqiiqsato inuu Biixi yahay iyo inuu cid kale
yahay.
Biixi, wuxuu gaadhiga taayirkiisa ku fooraraba markii dambe ayuu roob soo
daatay, kadibna raggii baabuurka qodayay ayaa kala yaacay, kuwaas oo ay
qaar baabuurka hoos galeen, qaarna ay geedihii ku dhawaa jirsadeen,
laakiin Biixi wuxuu hoos galay geed dhinaca midigta kaga toosan daaqadda
shidhka gaadhiga ee ay fadhido Xayaad. Kadibna markii uu geedkii cabaar
hoos taagnaa ayuu jaleecay daaqaddii gaadhiga ee ay Xayaad fadhiday,
dabadeedna isaga iyo Xayaad ayaa si fiican isha isugu dhuftay, iyadoo uu
midba midka kale leeyahay miyaanu isagii ahayn iyo miyaanay iyadii ahayn.
Balse markii ay ilaa laba daqiiqo iska il sugteen ee ay midba midka kale
hubsaday, ayay Xayaad iyadoo dhibicdii roobku xoog u da’ayso daaqadda iska
furtay oo u soo carartay dhinicii Biixi, waxayna isa soo taagtay halkii uu
Biixi taagnaa, kadibna salaanta ayay isku boobeen oo way isku naxeen.
La soco.
Top
Paris (W. Wararka): Xaflad ballaadhan oo lagu
ansixinayay aasaasida gole Islaam ayaa dorraad ka dhacday magaalada Paris
ee cariga Faransiiska, iyadoo ay ka soo qayb-galeen Ra’iisal-waraasaraha
dawladda Faransiiska iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Tallaabadan lagu aasaasayay Golaha Islaamiga ah oo ololahiisa la bilaabay
saddex sanno ka hor, waxa uu noqonayaa gole Islaam oo u meteli doona
Islaamka Faransiiska, waxaanu Ra’iisal-wasaaraha Faransiisku ku tilmaamay
munaasibaddan in ay noqon doonto bog cusub oo taariikhda xidhiidhka u
dhexeeya Faransiis iyo diinta Islaamka ku soo biiray.
Xukuumadda Faransiiska ayaa iyadu u ogolaatay golahan Islaamiga ah ee
cusub inuu ka caawiyo isu dheeli-tirka arrimaha bulshada Islaamka, iyo in
sidii loo yarayn lahaa muhiimada muranka ka taagan xidhashada xijaabka
dumarka Islaamka ee ku nool Faransiiska.
Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska Jack Pier iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha
Faransiiska Nicole Sarkosi ayaa ugu yeedhay Golahan Faransiiska Islaamka
ah ee dhawaan la soo doortay oo markii ugu horeysay kulan isugu yimaada in
ay ka caawiyaan sidii loo xalin lahaa muranka ka taagan xijaabka. Laakiin
Ra’iisal-wasaaruhu waxa uu u sheegay Golahan Islaamka ah ee meteli doono
shanta Milyan ee Muslimiinta Faransiiska ku dhaqan in aanu doonayn in
arrinta xijaabku noqoto mid keenta dhibaato aan la baahnayn.
Balse, ra’iisal-wasaaruhu waxa uu toddobaadkii hore suxufiyiinta u sheegay
in aanu taageersanayn ama u jeedin inuu mamnuuco xijaabka, balse waxa uu
ka gaabsaday khidadda uu damacsan inuu xal kaga gaadho. Laakiin waxa uu ku
adkaystay in wadahadalka arrintaasi socon doonto si xal loogu helo ayna
kaalin muhiim ah ka noqon doonaan golahan Islaamka ee cusubi si loo xaliyo.
Si kastaba ha ahaate, muranka xijaabka ayaa ah arrin aad xasaasad uga
dhaliya gudaha wadan Faransiis oo ah dawlad cilmaaniya, aqlibayadeedu u
badan tahay Kaatooliga. Afti aragtiyaha dadka oo toddobaad laga qaaday
dadwaynaha Faransiis ayay saddex meelood marka loo qaybiyo meel ahaani ay
u aragtay in ay daruuri tahay in laga mamnuuco dumarka Islaamka xijaabka
ay xidhaan. Laakiin dawladda Faransiis ayaa isku dayaysa in xal lagaga
gaadho arrintan doodda lagaga doodayo qaraar cusub oo dhigaya in la soo
hab-dhaqanka calmaaniyiinta ee iskuuladda xukuumadda, si looga hor tago
dhaqanka Islaamiga ah oo si xoog ah ugu fidaya bulshada Faransiiska.
Top
Axmed Cali Garas ayaanu wax ka weydiinay intii uu ka yaqaanay
Madaxweynihii hore ee Somaliland (Alle ha u naxariistee) Marxuum
Maxamed X. Ibraahim Cigaal. |
Axmed Cali Garas oo ah Qoraa caan ah, ahna nin
siyaasadda u dhuun daloola ayaanu wax ka weydiinay intii uu ka yaqaanay
Madaxweynihii hore ee Somaliland (Alle ha u naxariistee) Marxuum Maxamed
X. Ibraahim Cigaal.
Garas, wuxuu si kooban uga waramay marxaladii xilligan dambe Marxuumku
Madaxweynaha ka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu warbixintiisa ku
bilaabay sidan:
“Illaahay naxariistiia ha ka waraabiyee M. I. Cigaal, wuxuu ahaa nin ka
sareeya darajada Madaxweyne ama Ra’iisal-wasaare, waxaanan ku qiimayn
karaa darajada hogaamiyaha (leadership). Darajadaas haddaan yara macneeyo,
hogaamiye waxa loogu yeedhaa ninka isagoo Madaxweyne ah ku darsada ama soo
saara hannaan cusub ama dariiq cusub oo ummad lagu horkaco.
Asbaabaha Marxuum Cigaal aan ugu aqoonsaday Hogaamiyaha waxa weeye, ninka
kaliya ee sameeyay hannaan dhamaystiran, kaas oo ah beelo kala qaybsan
inuu ka dhigo dawlad dimuqraadi ah, wakhti yar gudaheed. Waxa kale oo uu
mucjiso ku ahaa hirgelinta hannaankaa in aanay jirin cid ka caawisay ama
dawlad ka dambaysay toona.
Tusaale ahaan, sannadkii 1993-kii uu dalka ku soo noqday wuxuu ku soo
beegmay xilli dalka ay ka jiraan ururo hubaysan, beelo hubaysan,
qawlaysato hubaysan iyo ganacsato hubaysan. Waxa kale oo xilligaa jiray
magaca Somaliland iyo calankii caddaa ee barta cagaaran lahaan jiray.
Calankaa hawsha ugu badan ee loo qaban jiray waxay ahayd in hoostiisa
laysku laayo iyo in layku baadho oo keliya.
Marxuum Cigaal oo shirkii Boorama lagu doortay, wuxuu kalsoonidii ugu
horeysay uu ku healy khudbad geesinimo lahayd oo uu ka jeediyay shir Arda
sababa uga socday kooxaha Soomaaliya. Tallaabadii koowaad ee markii la
doortay uu qaaday waxay ahayd furdaaminta urarada hubaysan ee dalka dhex
dinisayay, kuwaas oo uu dalka ka hudiyay waxay ahaayeen ururadii diimeed
ee Al-itixaad Islaami, kuwaas oo xeryo tababar ku lahaa magaalada Boorama.
Dagaalka kale ee uu ku najaxay, wuxuu ahaa farsamadii uu isu dhaafiyay
labadii garab ee ururka SNM la odhan jiray oo markaas iyaga dhexdooda isu
dili jiray oo waliba markaas beelo garaysan oo kornaylkooda iyo koofiyad
baclahooduba is dilayaan.
Maxamed I. Cigaal oo ahaa aragti-dheere isnacay, isla markaana siyaasadda
suryo walba kala dusay, ayaa sidii caadiga ahayd markuu soo dhisay loo
arkay in labadii garab ee ishayay inuu qaar la saftay, arrintaas oo
keentay in wixii kalena ka soo horjeesteen, ugu dambayntiina wuxuu
arrintaa ku daweeyay garabkii uu dawladda ku raray ayaa weerar ku kiciyay
kuwii kale, xilli ay isla daaleen ayuu kuwii la joogayna eryay, kuwii
kalena u yeedhay.
Sidaas ayay labadoodiiba hubkii iyo wixii ay beelaha u kala dhiibteen ee
kadab-goyntooda loo adeegsaday ka wada qaaday oo intuu meel isugu keenay
miciin uga dhigay magacii iyo calankii maga xumadaa hoos tiilay.
Garabyadaas iyo ururadaas hubaysnaa, wuxuu ku beddelay Golayaasha Guurtida
iyo Suldaan dhaqameedyada beelaha, sidaasna wuxuu dalka ku wadaajiyay
xeerkii cahdi qarameedka la odhan jiray, halkaasna waxa ku faaftay
nabadayntii beelaha, taas oo keentay in mar kale dib loogu doorto 1997.
Xilligan dambe oo ahaa kii ugu beleda yaraa, wuxuu ku sameeyay distoorkii
dalka, kaas oo dalka ku soo waday beelo dimuqraadiyada ah, sidaasna wuxuu
ku caanbixiyay Jamhuuriyaddan dhammaystiran oo dimuqraadiyada, horumarna u
heeryaysan.
Marxuum Cigaal oo khudbadihiisa anigu aan aad u dhadhansan jiray oo aan
isku hawli jiray xeesha fog ee hadalkiisu ku socdo, ayaa dadka qaarkii
gondahooda ka eegi jireen oo maskax raqiis ah ku qiimayn jireen, laakiin
aniga waxay ii samayn jireen Mahadhooyin dhaxal reebay.
La soco.
Top
|