Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 326 May 6, 2003

Marxuum Cigaal Kumuu Ahaa? Q: 2aad.

Xuskii Marxuum Cigaal Wuxuu ahaa Mid Xushmaysan waxana igu amray madaxweyne Rayaale,” Shir-Jaaraa’id Maayarka Berbera.

Raadka Doorashoorashadu Ku Reebeen Boorama, Warbixin-Maxamed Cumar. Sheekh.

Aroos wacan.

Jawaab-Celinta Guddida Doorashooyinka Oo Ka Wayrixisay Wasiiro Iyo Xubno Sare Oo UDUB Ah, dhaqdhaqaaqyo Iyo Shirar Shawr Ah Oo Ilaa Xalay Ka Socday Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Shir-Gudoonka Labada Gole oo Ajande Cusub U SooJeediyay Musharixiinta Saddexda Xisbi.

Boqor Cismaan (Buur-Madow) Iyo Suldaan Siciid Oo Markii U Horeysay Isa Soo Hor Fadhiisiyay Labada Janan Ee C/laahi Yuusuf Iyo Cade Muuse.

Laas-caanood Oo Ciidamada C/Laaahi Yuusuf Ka Bilaaabeen Cashuur-Qaadis.

“Waxa Haboonayd In Wasiir-Xigeenka Loo Diro Tababar Dhinaca Maamulka ah,” Wasiirka War-Faafinta.

Ciidamada Maraykanka Ee Ku Sugan Afgaanistaan Oo Madaafiic Lagu Weeraray.

Fariinta Akhristaaha: Illaahaw Aqoonna Ha Nagu Cadaabin, Eexna Ha Nagaga Tegin.

Natiijadda Ha Raasuqdee Xisbiga UDUB Halala Xisaabtamo.

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida, Waxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub, Q: 37aad.

Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.


Marxuum Cigaal Kumuu Ahaa? Q: 2aad.

Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaan ku aqaanay Ged-yaqaan, God-yaqaan, Gar iyo Gobanimo maanshaysay. Nabaddan layska wada sheegto ama ragga qaarkii ku andacoodaan in ay dadweynaha ka timid, anigu ma qabo sidaas, waxaanan odhan karaa nabadda ina Cigaal ayaa dadka ka iibsaday oo lafahooda ka laaluushay.

Dhab ahaantiina, ma ogi beel aanu nabadgeylyada ka iibsan, taas oo qaarkood weli qaataan qaa’imadii nabadda lagaga gatay. Qashkaas uu dadkaa siin jiray oo ragga qaarkii laaluush u yaqaanay, laakiin waxay ahayd laaluush naftiisa iyo dalkooda uu kaga laaluushi jiray hadduu helayo.

Waxyaalaha qayral-caadiga iigu muuqday, waxa ka mid ahaa: wuxuu ku soo beegmay xilli xun oo dadka ay u taliyaan qofka ugu liita ee dilka iyo laynta dadkiisa mooyaane wax kale ogayn. Dadka inuun nolosha wax ka yaqaanay ama dadka war-wanaagsan waxay ahaayeen kuwa ugu liita ee nacasyada loo yaqaano, kuwaas oo ay ma dhacdo ahayd si uu awood ku helo qof wanaagsani.

Haddaba, maadaama ay caynkaas ahayd, waxa isweydiinle sida Cigaal oo nin wanaagsan ahi uu awooda u helay oo uu waliba uga guulaystay kuwii xumaanta xoogga ku lahaa.

Waxa iyana fajac leh, marxuumka oo ahaa nin ayniya oo usha cuskada, ayaa haddana waxa kartidiisu gaadhsiisay inuu qarannimada kala soo baxo meel cidhiidhyoon.

Marxuumku muddadii uu halganka ku soo jiray may jirin cid kaliya oo la fahansanayd hannaankiisa uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo, hadday jiraana waxa ugu dhawaa tiro yar oo ka mid ah Guurtida iyo Suldaanada dhaqanka oo gacan-dhiib ku adeeci jiray.

Marxuum Cigaal, inkasta oo uu lahaa wasiiro camaarkaa ka badan, haddana muu jirin baan isleeyahay nin qudha oo fahansanaa siyaasadiisa, waxaanay ku mashquuli jireen bal sida uu doonayo in ay ula shaqeeyaan. Hase yeeshee Cigaal wasiiradiisa, wax yar mooyaane kuma aamini jirin shaqooyinkooda. Waxa keliya ee uu shaqo uga dhigi jiray arrimaha sirdoonka oo badankoodu u soo sheegi jireen warar been ah oo uu iska garanayo.

Marka shirarka maalinta Isniinta ay isugu yimaadaan golihiisa wasiiradu, inkasta oo uu Cigaal weydiin jiray in ay hayaan wax talo ay ku kordhiyaan, wuu ka dhegaysan jiray, laakiin ilama aha inuu wax qaadan jiray. Isfahan la’aantaas oo kale waxay dhexmari jirtay dadweynaha kale oo qaarkood si waali ah u mucaaradi jireen, kuwaas oo ku dhaliili jiray waxaanay gar ugu lahayn ama meelo aanay gaadhin.
Tusaale ahaan, waxyaabaha mucaaridada ugu badani kaga iman jirtay waxa ka mid ahayd: Muxuu horumar u keeni waayay, muxuu ictiraaf dunida uga raadin waayay, muxuu laamiyo, dhakhtaro, iskuulo u samayn waayay iyo inuu Soomaaliya ku wado oo dalka iibiyo.

Marxuum Cigaal maanta wuu iga hooseeyaaye, waxaan isleeyahay dadkaasi way ka gar daraayeen, waayo? Soomaalidu iyadoon lugta haynin bay kabta u arriminayeen, waaayo iyagoon dawladnimadiiba aanay jirin oo kooxo u dagaalamayay ayay ka doonayeen horumar iyo sheekooyin dadku bawsadeen.

Run ahantii dadkaai may qaldanayn, laakiin waxaanay ogayn horumar nabad ka horeeyaa in aanu jirin, qarannimo badownimo lagu sameeyaana jirin.

Dadka siyaasadda ina Cigaal taageeri jiray oo u badnaa dadka waaweyn, marka uu wax gashanayo fara-madhnaan kuma liqsiin jirin.

Madaxweyne Cigaal, wuxuu qumaati uga faa’iidaystay inqilaabkii hore ugu dhacay 1969-kii, kaas oo uu ahaa inan da’yar oo iska baacin kari waayay duufaankii shuuciyadda ee dawladahan gobolka hafiyay.

Marxuumka ahaa ninka labaad ee qumaati u carbisnaa ee afrika ka yaqaan hannaanka dimuqraadiyada la yidhaa iyo dawladnimada talo wadaaga ku beerantay.

Marxuumku waxa kale oo uu siyaasiyiinta Soomaalida dheerraa waxay ahayd, isagoo ahaa ninka keliya ee dadka Soomaalida ah u cilmi doontay oo aad u bartay taariikhda gobolkan iyo ta dunidaba. Waxa kale oo uu aad uga dheregsanaa hannaanka shisheeyaha iyo raggii hogaamiyeyaasha ka ahaa Yurub iyo Maraykanka, iyo boqortooyinkiyo ilbaxnimooyinkii Turkiga, Giriiga, Roomaanka, iwm. Isla markaana sida la sheegay wuxuu aad u xafidi jiray suugaanta, gabayada Soomaalida oo uu ahaa siyaasiga keliya ee Gabay Soomaaliyeed ama halku-dheg Soomaaliyeed ku khudbadeeyay. Gabayada kale ee Shakisbiir iyio murtida Ingiriis laftooda kama madhnaan jirin.

Gabayada Soomaalida ee had iyo jeer uu hal-qabsiga ka dhigan jiray, waxaan ka xasuusta bayd diblomaasiyadda Soomaaliyeed sawiraya oo Saahi Qamaan lahaan jiray; “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi jiray, masa inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahay. Masalaha ninkaan iidhay midig masaaraay. Ninkii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho.”

Marxuum Cigaal oo ahaa nin ku geesi ah codkiisa iyo caqligiisaba, waxaan xusuustaa wareysigiisii u horeeyay oo Berbera lagula yeeshay markii shirkii Burco 1991, shirkaas oo lagu dhawaaqay gooni-isu taaga Somaliland, xilligaa oo socoto gaaban ku soo gaadhay dalka. Wareysigaas lala yeeshay oo ahaa su’aal berigaa laysku khuukhin jiray oo ahay “ma taageersan tahay Gooni-isu-taagga Somaliland?” Xilligaas oo aanay jirin cid odhan karta waan diidannahay ama Soomaaliweynta soo hadal qaadkeedaba, balse Cigaal waxa jawaabtiisa ka mid ahayd; “Adeer, horta Soomaaliya ninkii soo hadal qaada ha ka dhigina nin naartii galay. Lixdankii markii aan lahaa, waar aynu iska joogno, waxa lay arkayay nin naartii galay, markaa Soomaaliya kolay dan baa isaga keen xidhan oo hanti badan ayaa inaga dhaxaysa, sida dayuurado, maraakiib iyo duunyo kaleba.

Hadalkaa oo aan qof kaliyi sax u arag ama aanu jirin dulqaad lagu qiimeeyaaba. Tusaale ahaan; Madaxweynihii la doortay oo C/raxmaan tuur ahaa oo isaga qudhiisa aan aaminsanayn in ay sax tahay gooni-isu-taagga oo jujuub lagu jiidhsiiyay, ayaa marka weriyayaashu su’aashaa weydiiyaan in isagu aaminsan yahay Gooni-isu-taagga Somaliland, ayaa isagu qudhiisa is dhego marin jiray, waxaanu ku jawaabi jiray, “Gooni-isu-taaggu waa go’aan shacbi, go’aanka shacbiga ayaanay noqonaysaa.” May jirin cid ku tidhi adigu maad go’aamin miyaa.

C/raxmaan tuurna, wuxuu ku guuldaraystay inuu dadka gashado waxa uu doonayo, taas oo uu ka shaqeeyay sidii uu u sacsicin lahaa caadifadii isaga muquunisay.

Cigaal oo casharadaas bawsaday, tamartiisa ugu badanna geliyay sidii uu karaamadiisa u difaacan lahaa, fikradiisa uu qabanna dadka dantooda ugu dhigaa Soomaali markuu wax ka odhanayo, wuxuu ku celcelin jiray in aanu weligii tegi doonin, laakiin Soomaaliya mar ay noqotaba ay mar isku iman oo cududeedu soo bixi.

Maxamed X. Ibraahim Cigaal, dadka qaarkii odhan jireen, wuxuu doonayay kursiga inuu weligii haysto. Anigu u maan qabin, laakiin waxaan u malaynayaa inuu doonayo Qaran aan cid kale kula tabcin inuu dhidbo oo u dhameeyo dhammaanba waxyaabaha dunidu isku gumaysato oo uu ka maarmo gaal-madow iyo gaal-cadba. Inkastoo Gaalo iyo camalkeed Cigaal qumaati u yaqaanay, haddana waxaan u aqaanay nin han weyn oo gaallada Afrikaanka bawsata, isaga ay ka baqato. Intii uu tan xukumayay lama odhan karo, waxa soo maray go’aamo jilicsan iyo kuwo adag ee waxay u badnaayeen xaalado xaalad ka subxaannaysato.

Khudbadihii hannaanka uu doonayo laga sawiran karayay waxa ka mid ahayd hadal uu kheyriyadda ka sheegay oo ahaa, “Dawladihii xaqanaas ee dibadda inooga yimi, way ka socon waayeen Afrika, waayo, waxay dhaqan u lahaayeen may helin, sidaas awgeed way ka burburtay, markay burburtayna dadku waxay ku noqdeen waxay asal lahaan jireen, waxay lahaan jireena qabyaalad bay ahayd.”

Han fogaantii Cigaal, waxaan ka dhadhansan karaa sheeko dhexmartay nin ganacsade ahaa oo Cigaal la kaftamay oo ku yidhi; “waxaad ku ciyaartaa lacagtii aabahaa.” Ninkaa oo Cigaalna ugu jawaabay; “Adigu bahashan lacag ah ee aad jeceshay ee aad doonayso in aad iska urursato, anigu waxaan doonayaa in iyada lafteeda aan isku sawiro.” Dabcanna sidaan anba qabo, mar ay noqotaba way soo bixi lacag sawirka Cigaal ku daabacan yahay.

Qiyaas iyo sheedadeed, aniga oo aan wax badan ka aqoon, haddana dadka qaarkii waxay ku tilmaami jireen nin siyaasadda ku caban ama cidwalba isagu u jawaabi jiray, laakiin waxaan u malaynayaa dacaayadaasi in ay danta uu ka lahaa aanay dugan, taas oo dawo u noqotay in dadka taageerayaashiisa ah ama qabiilkiiaba la qaysadaan xintanka siyaasadeed ee haddii jawaabtu cid godob ku keenayso in keligii ku koobnaato. Arrimaha lagu eedayn jiray maamulkiisa waxa ka mid ahaa: wasiiro farabadan oo aan nacfi lahayn ama jilicsan, markii dambese waxa la ogaaday in aan fariidku ama ninka dadku fariidka u yaqaannaa farsada dawladda aanu aad u aqoon oo kaa doqonka loo yaqaanaa Qaranka miciin u ahaa.

Marxuum Cigaal, wasiirada la shaqayn jiray waxa la sheegay in ay dawladii shuuciyadda ka carbis qabeen, balse dawladdan iyo taaina faraq aad u weyni u dhexeeyo oo masuuliyiintii Siyaad la soo shaqaysay Madaxweynihii Cigaal ugu dudi jireen, muxuu saxaafadda u xidhxidhi waayay. Xalka ugu badan ee ay ku isticmaalaana waxay ilaa imika u yaqaaniin in ninka dawladda ku jiraa xoriyad u haysto inuu cidkasta awooda dadka ka dhaxaysa kaga aargoosan karo ama ku muquunin karo, sida la ii sheegayna Marxuumku inuu aad u jeclaa oo weliba wuu ku faani jiray, sida dalkiisa ay uga hirgaleen saxaafad ay dadku kaga kaaftoomaan idaacadda xaqanaas.

Siyaasadda Marxuumka ka sirdhidhi jiray waxa ka mid ahayd, Boqortooyada Carabaha iyo Shuuciyadda oo labaduba aanay isu keei jirin. Wuxuu lahaan jiray Qab-weyni iyo isku kalsooni xooggan. Qofka wuxuu Cigaal ka cadhoon jiray dadka hungureeya ama qarannimadiisa quudhsada. Waxa kaloo tab iyo xeel uu u lahaa kaambaynka iyo ololaha siyaasadda oo aanay jirin cid ku beegsataa.

Cigaal wuxuu ahaa, nin farxaan ah oo furfurnaan ku diirin jiray meelkasta oo uu joogaba. Wuxuu lahaa daacadnimo wadaniya oo uu dalkiisa iyo dadka Soomaaliyeedba. Dadyowga Soomaaliyeed ee koonfurtu, waxay rumaysnaayeen in ina Cigaal mooyaane aanay jirin nin kale oo hogaamiye ah, Soomaaliyana awoodi karta in ay dawlad u dhisto ama heshiisiiso, isma lihi ina Cigaal aqoonsiga Somaliland inuu waayay oo ka samray, laakiin waxaan u malaynayaa in aqoonsi kasta oo lagu siiyaa aanu dadka waxba u soo sidin. Laakiin, hankiisa wuxuu rumaysnaa in dalkiisa baahidiisa aanu ahayn aqoonsi dibadda loo meeraysto oo lagu maxaafsado.

Sida uu sheegay dhallinyarada Afrikadan Bari ka talin jiray, waxa la sheegay in ay ka baqan jireen oo ay u yaqaaneen nin siyaasadda ku jiitay oo aan cidi khiyaamayn karin.

Ugu dambayn, Madaxweynihii hore ee xaqu helay, waxaan odhan karaa inuu ahaa Cilmiga Siyaasadda Somaliland oo waliba ay badan tahay ujeedooyinkiisii iyo waxyaalihii uu damacsanaa oo aan laga wada faa’iidaysan oo qaarkood weli dihin yihiin.

Waxa isna aanu wax ka weydiinay Abwaan Cali Ismaaciil Carab oo loo yaqaan Cali Duul-duul, waxaanu Abwaan Cali ku jawaabay Gabay uu ka tiriyay Geeridii Marxuumka Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaanu yidhi:

Wax dhaaxaa nin aan nagu cuslayn loo calaacalaye,
Allaylehe cirkay nagaga timid caawa geeriduye,
Ciyaar waxaan u ooynaba, haddaa caynku noo go’aye,
Inuu calankii Somaliland ciiray baa dhab ahe,
Allaylehe Cigaal wuxuu ahaa sida cadceedaase,
Cadaan iyo madow uumiyuhu waa cisayn jiraye,
Caradoo dhanbaa laga yiqiin cidhif ilaaa daare,
Cidna geeridaan dayninoo caamirow dhab ahe,
Curad iyo halyey buu ahaa laysma caasiyee,
Ka xoree cadaabtii Rabbow caadil baad tahaye,
Waa siyaasad camalkeed hadday cid isdanqaabaane,
Nin xil culus la saaraba mar waa lagu canaantaaye,
Inuu cadowga caabiye ahaa caamadaan garane,
Waa ninkii gumaystihii caddaa caydhiyee raraye,
Cidkastoo warkii baahisoo sheegta camalkiisa,
Inuu curufka qaarkii lahaa waa cadaan dhab ahe,
Cad yar abidkii muu bixinin iyo soor cidhiidhiyahe,
Inuu caaqilada suubin jiray cuudkana u dhiibo,
Oo uu ciseyn jiray ayaan cidina moogayne,
Ka xoree cadaabkii Rabbow Caadil baad tahaye.
 

Top


Xuskii Marxuum Cigaal Wuxuu ahaa Mid Xushmaysan waxana igu amray madaxweyne Rayaale,” Shir-Jaaraa’id Maayarka Berbera.

Berbera (Haatuf) Maayarka magaalada Berbera Cabdala Maxamed Cali ayaa sheegay in magaalada Berbera si weyn looga xusay geeridii madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, sidaana ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan xaaji Daahir Casaan, maayarku wuxuu shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa ku dedafeeyey dhaliilo xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB kaga soo baydhay xuskaa, isla markaana wuxuu maayarku sheegay in madaxweyne Rayaale si toos ah isaga ula soo hadlay oo sida uu sheegay ku amray in la sameeyo xuskaa marxuum Cigaal oo xus qaran loo sameeyey xuskaasi oo waafaqsan diinta Islaamka si balaadhan duco iyo qur’aan loogu akhriyo.

Maayarku wuxuu intaa ku daray in xuskaasi marxuumka iyo u diyaar garawgiisa mid maamulka gobolka saaxil sida badhasaabka maareeyaha dekeda, duq ahaan u saareen guddi, isla markana loo xusay si diinta iyo dhaqanka waafaqsan, waayo waxaynu nahay dad muslina waxaana lays waafajiyey siday diintu ina farayso iyo sidiiloo xusi lahaa” ayuu yidhi Maayarka, iyada oo uu intaa ku daray in culimada habeenimadii sabtidu ay ku saamaleeleen akhriska qur’aanka. Maayarku wuxuu intaa ku raaciyey in wixii siyaaro loo bixinayey la siiyey cusbitaalka iyo jeelasha marka laga tago saddexda tuldo ah iyo in Adhiga oo alabriga loola niyooday, taasi oo qorshayagu ku wajahnaa markay culimadu khatimaan qur’aanka in tobanka subaxnimo ducada laysugu yimaado qabriga marxuumka taasi si sharaf iyo qiime aad u weyn duco iyo qur’aana aan ku soo gebagebeeyey way ayaa waxa aan leeyahay wararka xuskaasi laga fidiyey ee tibaaxaya inaan si weyn Berbera looga xusin qaar aanay waxba ka jirin, oo dawladuna way rumaysay madaxweynuhuna si toos ah ayuu ugu amray waxaa kale oo gudoomiyuhu carabka ku dhuftay oo uu shirkaasi jaraa’id ku sheegay waxa uu yidhi “waxa jiray dad badan iyo weftiyo iyaguna maalintaasi soo siyaartay, hase yeeshee waxa xidhiidh ah oo ay nala socod siiyeen ma jirin hadday soo baxayeen iyo haddii ay halkan yimaadeen toona, waxa inta badan dhaca dad jacayl ay bulshadu madaxweynahoodii geeriyooday u qabtay inay had iyo goor markay Burco ku socdaan iyo markay Hargeysa ku socdaanba aad arkayso gawaadhi qabriga marxuumka taagan oo faataxada ula leexda way ku akhriyaan.”

Haddaba imaatinka weftigaasi xuskaasi yimid waxay ahaayeen mid aanay nala socodsiin, inkasta oo diinteenu ina farayso qofku meel kasta ha joogee wixii uu maytida ula niyoodaa inay u hadayn karaana oo sida aad la socotaan Burco Hargeysa, madaxtooyada Somaliland iyo meelo kale oo badanba waa laga xusay sanad guurada marxuumkaa.

Haddaba marka la weydiiyey maayarka marka laga tago xuska G/Saaxil iyo maamulkiisa waxa dadku ay filayeen inay kala soo qaybgalaan maamulkii sare ee xukuumada iyo hogaanka xisbiga UDUB, ayaa ahaa mid ay maayarka dadku tabayeen? waxa uu yidhi “way jireen inay nala soo xidhiidheen dhalinyaro badan oo ururada ka mida ahi hadday tahay UDUB, KULMIYE iyo UCID-ba oo yidhi calamo iyo baroor ayaanu soo qaadanaynaa, ha ahaadaan xisbiga UDUB-e runtii taasi waanu is hortaagnay oo waxaanu nidhi mar haddii uu marxuumkii ahaa aabihii umaddan aabihii xisbiga UDUB iyo hirgelinta xisbiyada kaleba dalkan ka hirgeliyey si heer qarana ha loo xuso waxaanu go’aansanay inaan munaasibadaa xuska laga dhigin mid gaar ah oo boodhadh sida astaanta loo soo qaato.”

Mar la weydiiyey waxa sababay ama is-hortaagay inay dawladdu ka dhex muuqato xuska qabrigii marxuum Cigaal, ayaa waxa uu yidhi “Dawladdu waxa ay u soo wakiilatay oo si balaadhan xuskaasi loo sameeyo gudoomiyaha gobolka, maareeyaha dekadda, maamulka degmada ee aan gudoomiyaha ka ahay maamul kale ee dawladda." 

Top


Raadka Doorashoorashadu Ku Reebeen Boorama, Warbixin-Maxamed Cumar. Sheekh.

Boorama (Haatuf): Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh ayaa warbixin la xidhiidha hawlihii doorashooyinkii dalka ka dhacay 14-kii April ee loogu tartamayey hogaaminta dalka iyo raadadkii ay ku yeesheen kaambaynadii iyo ololayaashii xisbiyadu gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama nooga diyaariyey warbixin kooban oo ka hadlaysay astaamaha iyo raadadka iyo loolankii xisbiyadu ku kaga tageen gobolka oo qaarkood ilaa hadda taaaaga yihiin, wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay:

“Doorashooyinkii dalku soo maray bsihii abril ee lasoo dhaafnay ee loogu tartamayey hoggaanka dalka cidii qaban lahayd shanta sano ee soo socota waxay gobolkan Awdal gaar ahaan Boorama ay geliyeen ama kaga tegeen xaamaasad weli laga dareemi karo qaybaha shacbiga. Maadaama Madaxweyne Daahir Rayaale uu kasoo jeedo Gobolkan waxa Urur waliba wuu dadka gobolka u dhashay kusoo jiidanayey haddallo iyo xeelado uu is leeyahay dad ama taageerayaal ayaad ku hana kartaan. Xisbiga UDUB oo isagu ugu horreeyey wax olole doorasho ka bilaaba gobolkan ayaa markiiba, Maxamed Ibraahim Rijaaaal Saajin, oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaasi ku yaasho gobolkan ayaa Boorama ka yidhi, 'Annagu haddanu UDUB nahay waxanu shaqo siinaynaa ciddii na taageerta.'Ururada kale, oo dadka gobolku u haystaan inaanay gobolka ahayn, ma odhan hadallo badan. Way kasii durugtay oo Xisbiga UDUB wuxu dadka gobolkan ugu celcelinayey haddallo kala kaxayn kara shacbiga. Hadaalladaasi oo ayka mid ahaayeen 'ma adigoo shilin haysta ayaad shlin badhkii ku beddeelen', 'ma adigoo madaxweyne haysta ayaad wax hoose dooran' iwm.

Haddaaba doorashadii 14kii bishani waxay kala fogeysay dadkii iskudhadhawaa doorashadii ka horreysay ee deegaanada dalka. Waxa la ogaaday mowqif ay taaganyihiin dad la moodayey dhexdhexaad, ha ahaadeen culimo, ganacsato, aqoonyahan, madaxdhaqameed, maamule hay'ad dawladeed ama ajnebiba ah, kuwaasoo aan marka hore ku jirin laynka siyaasadda. Waxa arrimahaa keenay xamaasadda Ururka UDUB iyo Xisbiyada kale ee tartaamayey sida UCID iyo KULMIYE.

Boorama oo uu kasoo jeedo Madaxweyne Daahir Rayaale, waxay u arkayeen in haddii Daahir Rayaale laga guuleysto ay tahay guuldarro aan la qaadaan karin,gobolkuna ceeboobay,dadkana ay baabiin doonaan xisbiyada kale haddii ay helaan oo siday sheegeyeen rag u ololaynayey kulmistii qabsan doonto. Haddaba cabsida laga geliyey dadka gobolkan xisbiyada kale waa mid la arkay xumaanteeda. Kaddib markii ay 19kii bishan soo baxen natiijada doorashooyinkii 14kii bishii abriil, ee ilaa hadda muranku ka taaganyahay,laguna dhawaaqay waxa si lama filaan ah taageerayaashii UDUB damaashaadkoodii la galay inay shiidaan guryihii ay ku noolaayeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, meheradahoodii,iyo xitaa shakhsiyaadkii u ololaynayey KULMIYE. Waxa intaa dheeraa aflagaadada,iyo dacaayadda lagu hayey.

waxay dadkii UDUB ku dhawaaqayeen haddalo ay ka mid ahaayeen kulmista,dabadhilifyada,dhuuni raacyada iyo haddalo kale oo kala fogeyn kara shacbiga Sooomaaliland. Kadib markii doorashada natiijadeedii mugdi gashay, ayaa sida uu warsaxaafadeed ka sheegay mudane Dacar oo ah guddoomiyaha gobolka ee xisbiga KULMIYE, ay dad ama madax u ollaynaysay UDUB ku sheekeeyeen "haddii la siin waayo guusha inay goosan doonaan Gobolkana u bixi doonaan Awdalland wax la yidhaa.' waxa kale oo ay sheegayeen in la kala aargoosan doono,in Jaamacadda Camuud la xidhi doono haddii Kulmiye helo guusha iwm.'

Ugu dambayntiina waxa doorashadan kasoo baxday in wejiyo an loo baahnaayn loo adeegsaday ololihii madaxda UDUB, dareen xunna ay gelisay dadkii taageerayaashii axsaabta kale waxana loo baahanyahay in xisbi kasta oo guusha kama dambaysta ah helaa ka tirtiro shacbiga caadifadaha aan loo baahnayn ee wax u dhimi kara wadajirka shacbiga soomaaliland.”

 

Top


Aroos wacan.

Xuseen Yuusuf Cilmi, Maxamuud Yuusuf Cilmi, Axmed Yuusuf Cilmi, Maxamed Yuusuf Cilmi, Cabdi Yuusuf Cilmi, Barkhad Yuusuf Cilmi, Maryan Cabdi Cilmi Iyo Carruurteeda, Kinsi Cabdi Cilmi Iyo Carruurteeda, Sahra Cabdi Cilmi, Shugri Cabdi Cilmi, Muuse Cabdi Cilmi Iyo Xaaskiisa, Axmed Cabdi Cilmi Iyo Xaaskiisa, Mustafe Cabdi Cilmi Iyo Xaaskiisa.

Dhammaan dadkaasi, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan arooska
Siciid Xasan Muuse iyo Aniisa Cali Cilmi Oo 03/5/2003 aqalgalkoodu ka dhacay magaalada Bristol ee carariga Ingiriiska.

Aroos wacan

Maxamed Yuusuf Cilmi Iyo Xaaskiisa, Mashaacil Maxamed Yuusuf, Muniira Maxamed Yuusuf, Axmed Maxamed Yuusuf, Axlaam Maxamed Yuusuf, Samsam Ismaaciil Cabdi Iyo Carruurteeda, Safiya Yuusuf Cilmi, Hodan Yuusuf Cilmi, Nuura Yuusuf Cilmi Iyo Hooyo Xabiiba Xaaji Maxamed.

Dhammaan dadkaasi, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan arooska
Siciid Xasan Muuse iyo Aniisa Cali Cilmi Oo 03/5/2003 aqalgalkoodu ka dhacay magaalada Bristol ee carariga Ingiriiska.

Top


Jawaab-Celinta Guddida Doorashooyinka Oo Ka Wayrixisay Wasiiro Iyo Xubno Sare Oo UDUB Ah, dhaqdhaqaaqyo Iyo Shirar Shawr Ah Oo Ilaa Xalay Ka Socday Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in Komishanku maanta u gudbinayo jawaab-celinta warbixintii ay ka soo dalbatay Maxkamadda Sare ee ku saabsanayd in ay faahfaahin ka soo bixiyaan qodobo la xidhiidha natiijadii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee guddidu ku dhawaaqday 19kii bishii April oo dacwadi ka taagan tahay.

Dhinaca kale, waxa ilaa shalay subax ka jiray magaalada Hargeysa dhaqdhaqaaqyo iyo guux cadho leh oo ay wadeen wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xubno sar-sare oo UDUB ah, iyada oo ay wararka qaar sheegayaan in ay dhaqdhaqaaqyadani ka dhasheen rajo-xumo uga muuqatay xisbiga UDUB iyo xukuumadda nuxurka jawaab-celinta ay guddida doorashooyinka Qaranku maanta u gudbinayaan Maxkamadda Sare.

Wararku waxay intaas ku darayaan in cadhada ka dhallatay rajo-xumidaasi ay keentay in koox wasiiro ah iyo xubno sare oo UDUB ah subaxnimadii shalay ku kaceen falal hatigaad ah oo loogu cago-juglaynayo gudoomiye ku-xigeenka guddida doorashooyinka C/laahi Xaaji Cumar “Jawaan” oo xilligaaas ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Axmed Guray.

C/laahi Jawaan oo aanu shalay xafiiskiisa kula kulanay oo aanu wax ka weydiinay arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo.

Waxa kale oo wararku tibaaxayaan in shalay gelinkii dambe Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Axmed X. Cali Cadami, ay isagana gurigiisa ugu tageen xubno sare oo dawladda ka tirsan, kuwaas oo sida la sheegay isku dayay in ay culays saaraan Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka laftiisa, si wax looga beddelo mawduuca jawaab-celinta ku saabsan natiijadii doorashooyinka. Laakiin, Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka mar aanu xalay arrintaas wax ka weydiinay wuxuu sheegay in aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale, waxa habeenkii xalay xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha ku xoonsanaa oo shir khaasi uga socday xubno tiro badan oo ka tirsan masuuliyiinta dawladda iyo hawl-wadeenada xisbiga UDUB, oo loo malaynayo in ay ka wada arrinsannayaan xaalad ku soo boodo ah oo xisbiga kaga timid dhinaca natiijada doorashada iyo dacwadaha ku saabsan ee la filayo in ay ka gar-naqdo Maxkamadda Sare.

Xisbiga UDUB oo tan iyo maalintii natiijadii doorashada lagu dhawaaqay libin ku naaloonayay oo salka ka fadhiyay, hase yeeshee lama oga sababta keentay dhaqdhaqaaqyadan cusub ee ilaa shalay ku soo kordhay, waxase warar aan wali la xaqiijin tibaaxayaan in sababta UDUB ka weyraxay tahay sanduuq aan hore loo tirin oo sharciyadiisa komishanku shir ka yeeshay ka hor intii aanay gudbin jawaab-celintii maxkamadda.

Top


Shir-Gudoonka Labada Gole oo Ajande Cusub U SooJeediyay Musharixiinta Saddexda Xisbi.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde ayaa sheegay inuu jiro hindise cusub o ay shirgudoonka labda gole u gudbiyeen musharaxiinta xisbiyadda wuxuuna sidaa ku sheegay warsaxaafadeed uu xalay na soo gaadhsiiyey kaasoo u qornaa sidan:

“waxaan halkan ku cadaynayaa laga soo bilaabo markii guddiga doorashada qaranku (National Electoral Commision) ay ku dhawaaqeen natiijadda ku meel gaadhka ahayd ee doorashadii madaxtooyada 19-kii April, 2003 ka qayb galay tiraba sideed kulan oo lala yeeshay saddexda musharaxa ee jagada madaxweynaha ee saddexda xisbi UDUB, UCID iyo KULMIYE.

Kulamadaasi afar ka mid ah waxa lala yeeshay Axmed Maxamed “Siilaanyo” saddexna waxa lala yeeshay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyada oo hal kulana lala yeeshay Faysal Cali Waraabe, kulamadaas waxa soo qaban qaabiyey shirgudoonka labada gole.

Saddexda mushrax waxaanu mid walba goonidiisa u tusaalaynay in codbixintii dalka ka dhacday uu shacbiga Somaliland isaga oo waajibkiisii si hufan u gutay haddana aanu saddexda xisbi midnaba siinin aqlabiyad uu talada dalka keligii kula jeesi karo, iyada oo xisbi walba inta ka codaysay ay aad uga badan tahay inta u codaysay.
Sidaas daraadeed waxa lagama maarmaan ah marka go’aanka maxkamadda sare uu soo baxo ama intaanu soo bixinba in madaxda saddexda xisbi si deg deg ah u kulanto, iyaga oo ixtiraamaya danta maslaxada ummadda iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, lagana wada tashado sidii looga badbaadi lahaa khilaaf siyaasadeed oo ragaadiya horumarka, nabadgelyada iyo aqoonsi u raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan u soo jeedinayaa inta wax garadka ah ee dhab ahaan jecel horumarka Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dabadiisaba ku dhaqan inay xil weyn iska saaraan sidii ay hawshaasi u hirgeli lahayd.

Waxa kale oo aan mahad balaadhan u soo jeedinayaa saddexda musharaxa oo mid waliba goonidiisa hindisahan naga aqbalay, haddii aanu nahay shirgudoonka labada gole ee Guurtida iyo wakiiladda markii aanu u soo bandhignay”.

Top


Boqor Cismaan (Buur-Madow) Iyo Suldaan Siciid Oo Markii U Horeysay Isa Soo Hor Fadhiisiyay Labada Janan Ee C/laahi Yuusuf Iyo Cade Muuse.

Boosaaso (Haatuf): Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-Madow) iyo Suldaan Siciid oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada Somaliland ee gobolka Sanaag oo beryahanba isaga dab-qaadayay labada janaraal ee Cade Muuse iyo C/laahi Yuusuf oo cadaawad xoog lihi dhex taalay, ayaa markii ugu horeysay ku guulaystay in ay isa soo hor fadhiisiyaan shalay labadan dhinac ee ay ka dhexwadeen waanwaanta nabadeed.

Kulankaas oo ahaa kulakii ugu horeeyay ee dhexmara saddexda dhinac, waxa uu ahaa mid aad loo danaynayay oo dadka reer Puntland aad ugu riyaaqeen. Laakiin kulankani muu ahayn mid wada-hadal, balse waxa uu mid gogol xaadh u ah wada-hadalada la doonayo in lagu soo afjaro khilaaf ka dhexeeyay labada dhinac, kaas oo la filayo inuu maanta u bilaabmo labada dhinaca oo kulankooda ku yeelan magaalada Boosaaso oo ay hada ku wada sugan yihiin.

Madax-dhaqameedyada arrintan ku hawlanaa ayaa dhinacooda uga mahad celiyay sida ay labada garab u aqbaleen ergadooda.

Dhinaca kale waxa magaalada Boosaaso shalay gaadhay ciidamada uu hogaaminayay Gen. Cade Muuse, ciidamadaas oo ka guuray magaalada Ceel-Afweyn cariga Somaliland, tiradooduna ay dhan tahay 613 askari oo wata 17 gaadhi oo isugu jira kuwa xamuulka iyo tiknikada, waxaana ciidamadaa la dejiyay xero 15 km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Boosaaso, iyadoo ciidankaa la mamnuucay in ay magaalada soo galaan, isla markaana magaalada Boosaaso ayaa ammaankeeda la adkeeyay iyadoo ciidamada Daraawiishta ee C/laahi Yuusuf u daacadda ahi wareegayaan dhammaan duleedka magaalada Boosaaso, ciidanka Booliskuna roondo ahi ku dhex wareegayaan gudaha magaalada si loo sugo ammaanka magaalada.
Sidoo kale, waxa isna shalay galab ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, koox uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee garabkii Jaamac Cali Jaamac, Khaliif iyo xubno kale oo la socday oo ka tirsanaa isla garabkaa, waxaana la sheegay in imaanshahoogu la xidhiidho nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ay wadaan Madax-dhaqameedyada Somaliland ee ku hawlan arrintaas.

Arrintan oo ah arrin ay dadka reer Puntland aad u soo dhaweeyeen, waxay ka dambaysay kadib markii madax-dhaqameedyadan oo ka oo jeeda gobolka Sanaag ee Somaliland la sheegay in ay iskood isugu xilqaameen xal u helida khilaafka labadan dhinac u dhexeeya oo sababay in ay labada garab midkood uu oo magansado gobollada bari ee Somaliland.

Top


Laas-caanood Oo Ciidamada C/Laaahi Yuusuf Ka Bilaaabeen Cashuur-Qaadis.

Laas-caanood (Haatuf) canshuur ururin ayaa si toos ah uga bilaabantay magaalaada Laas-caanood ee gobolka Sool, Faysal Jaamac Aadan oo ah suxufi jooga magaalada ayaa Haatuf u sheegay in ciidamada maamulka Majeerteeniya ay dhamaan meheradaha yar yar ka qaadaan canshuurta, sidoo kale waxa maalintii shalay ku wargeliyeen shirkadaha ganacsaniga ee magaalada sida shirkadaha telefoonadda, wershadaha yar yar, iyo meherahadaha dukaanadu in inta ka horeysa 10/05/03 ay ku qaataan liisanka ama ruqsada ganacsiga iyaga oo adeegsanaya baabuur ku wareegaya magaalada iyo Idaacadda Laas-caanood.

Ciidanka Majeerteeniya ayaa hal askari laga dilay ka dib markii ay habeenkii khamiistii ee todobaadkii aynu soo dhaafnay tacshiirad isweydaarsadeen koox dhalinyaro ah iyo ciidamada wareega maamulkaasi, taasi oo keentay in ay magaalada ku soo rogaan bandaw bilaabmaya 9:00 caweysnimo, balse cabasho ay ganacsatada qaadku ka muujiyeen bandaw-gaasi ayaa dib loo dhigay laba saacadood kaas oo noqonaya 11:00 habeenimo.

Ibraahim Jaamac Daad oo dhawaan maamulka Majeerteeniya u soo magacaabay badhasaabka Gobolka Sool, balse hore u ahaa saad hayaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland ayaa qabsaday xaruntii ciidanka qaranka ee qaybta 7aad ee Laas-caanood, dhinaca kale ma jiro wax maamul ah oo dhinaca Somalialnd u jooga magaalada Laas-caanood amase ka muuqda magaalaadaasi, sidoo kalena waxa meesha ka baxay calamadii Somaliland ee ka dul taagnaa dhawr xarumood oo ku magacaabnaa maamulka Somaliland.

Dhawaaqa rasaasta oo ahaa mid ay dadka reer Laas-caanood had iyo goor maqlaan ayaa soo yaraanaya wakhtigan, sidoo kalena ma jirto wax qori ah oo suuqyada la sito, inta badan wakhtigan, sidii ay hore u ahayd magaaladu.

Top


“Waxa Haboonayd In Wasiir-Xigeenka Loo Diro Tababar Dhinaca Maamulka ah,” Wasiirka War-Faafinta.

Hargeysa (Haatuf) Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray shalay ku beeniyey eedaymo iyo dhaliilo ay xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadu u soo jeediyeen maamulka talada dalka haya, wuxuuna wasiirku isaga oo daba jooga dhaliilahaa ay xubnahaasu tilmaameen ee dhinaca xukuumadda oo ay qaarkood si gaar ah u taabanayeen wasaaradiisa, wuxuuna wasiirku warsaxaafadeedkiisa bilaabay sidan:

“Labada xubnood ee ka tirsan golaha xukuumadda JSL ee kala ah wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta ee shalay warsaxaafadeed ay soo saareen ku eedeeyey inay xukuumadu u isticmaaleen awoodii qaranka doorashadii April 14-kii, 2003.

Haddaba, arrimaha labada xubnood ku andacoodeen waa arrin aan sal iyo raadtoona lahayn, oo ah cambaarayn iyo dhaleecayn loogu talo galay in qaranimada Somaliland iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee hana qaaday wax lagu yeelo si cadawgu uga faa’iidaysto.

Waxa cadaan ah in kalsooni darro ku khasabtay xubnahaasi inay u ololaynayaan, una hawlgalaan xisbi kale iyaga oo xisbigii ay sheeganayeen aan ka tanaasulin xubinimadoodii, isla markaana aan iska casilin golihii xukuumadda ee ay ka tirsanaayeen taas oo u muuqata (beerka jecli, xaydha jecli). Taasi waxay marag u tahay haddii eedaymaha ay sheeganayaan hore u jireen, waxa la yaab leh waxay labada xubnood hore ugu sheegi waayeen shacabka iyo warbaahinta dalka.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo si gaar ah u duray una dhaleeceeyey maamulka wasaaradda warfaafinta waa arrin la yaab leh, oo hawlwadeenadii wasaaradda ku noqotay fajaciso iyo amakaag, malaha se waxa haboonayd in wasiir ku xigeenka loo diro tababar dhinaca maamulka ah.”

Top


Ciidamada Maraykanka Ee Ku Sugan Afgaanistaan Oo Madaafiic Lagu Weeraray.

Karachi (W. Wararka): Shan madfac oo aan la garanayn ayaa lagu soo weeraray cutub ciidamada gaarka ah ee Maraykanka oo tababar ka waday gobolka Bikatiya ee bariga dalka Afgaanistaan.

Afhayeenka Ciidamada Maraykanka, Kornayl Roger King, ayaa sheegay in ay shan madfac ku soo dhaceen meel 800 km u jirta meesha ay ku sugnaayeen ciidamada Maraykanku shalay, iyadoo aanay halkaa wax ku noqon, wax khasaare ahna aanay geysan, isagoo intaa ku daray in kooxda ilaalo ah oo ka tirsan firqadda 82 ee ciidamada Maraykanka oo ay caawinayaa ciidamada cirku goobtaa ku baxeen si ay u soo baadhaan waxa meesha ka dhacay.

Ciidamo gaadhaya ilaa 8000 (sideed kun) oo askari oo maraykan ah, ayaa ku sugan guud ahaan dalka Afgaanistaan, siiba dhinaca koonfurta iyo bariga dalkaas ee ay xuduudka ka leeyihiin dalka Pakistan tan iyo markii dawladda Maraykanku weerarka ku qaaday dalkaasi, si ay xukunka uga rido xukuumadii Daalibaan iyo ururka Al-Qaacida sannadkii 2001.

Dhinaca kale, Ciidamada Booliska Afgaanistaan, ayaa sheegay in ay qabqabteen ilaa 8 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday gaadhi ay leedahay Wakaallada Horumarinta Afgaanistaan, kaas oo uu ku dhintay dirawalkii gaadhi waday, waxaanay boolisku sheegeen in dadkaa la qabqabtay ka soo jeedaan dhinaca hogaamiyaha reer Afgaanistaan ee Qalba Diin Xikmatiyaar oo isagu ku baaqay in lala Jihaado Maraykanka jooga Afgaanistaan.

Masuul ka tirsan Booliska Afgaanistaan, ayaa ku tilmaamay weerarkaas rasaas lagu weeraray gaadhiga oo dhacay maalintii sabtidii inuu yahay isku-day la doonayo in lagu khalkhaliyo deganaanshaha iyo in lagu wiiqo xukuumadda Afgaanistaan ee uu Madaxweynaha ka yahay Xaamid Al-Karasay.

Top


Fariinta Akhristaaha: Illaahaw Aqoonna Ha Nagu Cadaabin, Eexna Ha Nagaga Tegin.

Anigoo Mustafa Xaaji C/Raxman waxaan rabaa inaan halkan Ummadda Somaliland uga caddeeyo doorashadii iyo waxii ka soo baxay. Haddaan arrinkan ku cabbiro miisaanka dad badani garan karaan waxaan rabaa inaan ku mitaalo ciyaar kubbad cag ah oo final aheyd. Haddaba marka ciyaartaasoo kale la ciyaarayo taxadar aad u sarreeya ayaa had iyo jeer la isticmaalaa si looga fogaado caddaalad darro keenta aamindarro horseeda inaan in kooxda laga eexdaa aaney ciyaarin taasina ay dhantaasho in la waayo ciyaarta Kubbadda Cagta ee ah ta ugu xiisaha badan taariikhda qoran.

Haddaba si taasi u dhacdo waxa go’aanka kama dambeysta ah leh Siidhiwalaha siidhiga haya waxana ku soo xigi kara labadiisa calanwale oo hadday gef aanu arkeyn u tilmaamaan uu isna ku camalfalo amaba diido inuu gefkaa aqbalo, ciyaartoyga labada kooxood ee finalka taagan waxa soo raaca oo garoonka daaftiisa la fadhiisiyaa tababarayaashooda tababrahaasi hadduu u adkeysan waayo sida kooxdiisu u ciaayrayso waxaanu iska hanan karin inuu kolba isla kaco oo qeyliyo oo hadduu doono isagoo is illawsan uu garoonka galo waxase mar walba ka joojiya siidhiwalaha oo hadduu u taagwaayo kaba saara meesha uu sharaf ahaan u joogo waxana loo diraa tarabuunka ay dadka caadiga ahi ciyaarta ka daawadaan. Waxa yaab leh hadduu siidhiwalahu diido gool qolo u dhashay cidi kuma khasbi karto inuu beddelo go’aankaas ciyaartu sidaa ayay ku dhammaataa isgana hadhaw uun baa la ganaaxaa taasoo ku siman inaanu dib dambe siidhiwale u noqoninin.

Haddaba ciyaartii doorashada ee ka dhacday Somaliland 14kii April 2003 waxa finalka joogay Kulmiye iyo Udub waxana siidhiwale ka ahaa Cadami oo ay calanwalayaal u ahaayeen Shukri iyo Jawaan iyo intii kale. Shirguddoonada Guurtida iyo Baarlamaanka waxa la ogaa inay ka mid ahaayeen asaasayaashiii Udub Xilligii Marxuumka inkastoo qaarkood kaarta-Abboo laga dheregsan yahay siday ahayd kaga baxeen Udub waayo haddaanu markiisii horeba oggoleyn cidina cid aan doonayn kooxdiisa uma cugato haddaba haddaynu labadaa shirguddoon ku misaalno inay ahaayeen tababarayaashii kooxda Udub waxa yaab laheyd in siidhiwalahu iska daa inay kackacaane oo ay qeyliyaan sida tababarayaasha caanka ee dunida ee waxay keeneen inay siidhiwalahii iyaga tarabuunka saari lahaa inay farta ugu yeedhaan dabeetona dhegta wax u saaraan waxaasi waxay doonaanba ha ahaadeene ( Karis xun iayana wax ku la’) taasina ay keento natiijadii ciyaartii oo taageerayaasha labada dhinacba in badani markaa garoonka ka dareereen iyagoo guul iyo guuldarro la kala joogo ayaa waxa yaab ku noqotay taageryaashii labada dhinacba in guushii ay raacday qoladii lagu waday in laga badiyo farxadi waa naxdin baa meeshaa ka dhacday. Mr. Jawaan afkaaga caano lagu qabay sida uu runta u sheegay ayaan u bogay markii idaacadda Been Beentu weydiisay maxaa kaa Lilahi ah inaydaan xaqdarro sameynin waxa uu yidhi annagu sidii ILAAH nagu ogaa ayaanu ku dhawaaqnay tolow sida ILAAH ku ogaa siday aheyd dee inay ku dhawaaqaan sidii loo yeedhiyey markaa halkaa run buu ku sheegay oo sidaasi waa sidii ILAAH ku ogaa. Taa intaasaan ku dhaafayaa.

Haddan u imaado Guusha Udub horta arrinka ALLAH isagu meel buu yaalaa oo looxulmaxfuudka ayuu ku qornaa Nabi Aadam hortii haddana Ilaahay garaadka uu dadka kaga faddilay Noolaha kale waa ta kelliftay in lagu addoonsdao inay noqdaan CibaaduLaahi Waxaan uga socdaa haddaan sii mala-awaalo waxa Udub u soo waddo Ummaddan shanta Sanadood ee socota aan wax yar ka iftiimiyo siday aniga iigu muuqato sidaa awgeed, Halbeegga akhrsitow aad ku cabbirayso haddaad Udub dooratay iyo haddii aanad dooranba waa shan shey mid walbana tusaale fudud oo aad ku cabbiri karto ayaan halkan ku soo qaadeen.

Marka Dawlad la qiimeynayo wax qabadkeeda shantaa tusaale uun baa la soo qaataa:

Arrimaha Guadaha : waxa aynu ognahay shan degmo oo ka tirsan saddex gobol oo bariga dalka ku yaal aan laga codayn (Badhan, Taleex, Xuudun, Laascaanood, iyo Buuhoodle) Dawldda Udub shantaa sanadood ka dib waxaan idiin sheegayaa inaan laga codeyn doonin. Arrimaha Dibedda waxa ugu weyn ee aynu sugaynaa waa Ictiraaf shantaa sannadoo ka dib ictiraaf baa filaysaana ma laga yaabaa meelaha xidhiidhka aynu la leenahay inay xumaadaan.

Arriamaha bulshada oo u sii kala kacaysa:

Arrimaha Caafimaadka Cusbatalka ugu weyn dalkeenna waxa uu madaxtooyada u jiraa in ka yar 400 oo tallaabo duruufaha uu ku shaqeeyaana waa laga wada dhergsan yahay waa tii Kelliftay in Madaxweynaheenii hore ALLAH ha u Naxriistee in maalin keliya lagu baadhin Madaxda Caalamka marka Dhakhaatiirtooda iyo Cusbatalladooda looga caal waayo ayaa dibedda loo qaadaa haddii madaxdeena cusbatalkaa lagu daweyn waayo ogaada inaad quus ka joogtaan in carruurtiinnu caafimaad ku koraan.

Arrimaha Tacliinta : Jaamacadda Hargeysa halkaa ay maanta mareyso maxaa iska bedeli doona ha ka yaabina in kulliyado caafimaad iyadoo leh oo dhacdo in waqti yar dabadeed dalku dhakhaatiirtiisa Jaamacadaha Cammuud iyo Hargeysa ay soo saaraan inaynu shantaa sannadood gaadhno Arrimaha caddaaladda Maxkamadaha maantu iyo shaqaalahooda dayaca ka muuqda ma ka sii dari doona caddaalad darradaa ayaa sii kobci doonta marka caddaalad la waayana Fawda waa ina daanweyne.

Arrimaha Dhaqaalaha markii UDUB la asaasay halka dollar waxa lagu sarrifyey 3,500Sl.Sh markii doorashadu dhacaysay waxa uu ahaa 7,000 Sl.Sh (100% ayuu bararay) shantaa sannadood masii barari doonaa oo ma gaadho 1000% waxay markaa bulshadu waxay awood u waayi doontaa inay carruurtooda Iskuullada ka bixiyaan.

Arrimaha Horumarka Guud waxa taas tusaale ku filan akhristow waddada dheer ee laamiga ah ee isku xidha Ambassador Hotel iyo Maansoor Hotel sidaa ay maanta tahay, maxaa iska bedeli doona, dekedda Berbera oo la hagaajiyo ama afartanka kilometer ee Borama - Dila oo Laami laga dhigo e’ Oodweyne, Lughaya, iyo Ceel-Af-Weynna sidaa ayey yihiin uun bay ahaan, Radio Hargeysana sida aan immikaba Burco looga maqal ayaan looga maqli doonin.

Sidaa awgeed waxan maqaalkaygan ku soo gunaanadayaa sheekadan qisada ah oo ahayd sidan:

Habar baa beri buul keligeed ku jirtay markaasaa beeshii meesha la joogtay u sheegeen in Bahal Dad-qaad ahi degaankooda soo galay habartii waxay talo isugu geysay inay Ilaahay miciinsato haddana walaacii baa ka hadhi waayay markaasay tidhi, “WEYNOW ADAA WEHEL LEH WERWER BAANSE KAA QABAA.”

Boon Xersi ayaa 1974kii Hees uu sameeyay baa midhaheedu ahaa “Markuu Taliye Fiicani Tawridnimo Kacaan iyo maskax toosan kugu wado Tabaabushaha Hoggaankiyo Hashuu tu’iyo Awrkiyo Tusmadaad ka garataa.”

Mustafa Xaaji C/Raxman.

Top

 


Natiijadda Ha Raasuqdee Xisbiga UDUB Halala Xisaabtamo.

Marka la xuso maamulka Somaliland sida la wada dareemi karo muddo gaadhaysa 18 bilood hal sano iyo badh waxa jirtay loolan siyaasadeed oo u dhex yaalay xisbiga UDUB iyo muwaadiniin kale oo u tartamay hogaaminta Somaliand muddadaas waxaan la kala garanayn oo isku milmay xukuumadda iyo xisbiga UDUB, kaas oo madaxweynuhu gudoomiye ka haa madaxweyne ku xigeenkuna gudoomiye ku xigeen ka ahaa wasiiraduna sidoo kale wasaaradahoodii, badhaasabaduna sidoo kale maayaraduna iyo madaxda ciidamada ilaa golayaashu noqdaan xisbiga UDUB shaqadii umadda reer Somaliland iyo xilkiina isu bedeleen xilka xukuumadda UDUB taas wasiir ilaa xoghaye la bedelay, hadduu xisbiga UDUB waxaan ahayn ka shaqeeyo, markaa si dhab ah waxa u dhalatay xukuumadda UDUB Somaliland waxaa laga bililiqaystay dhamaan waxay magac dawladeed ku ahayd, ciidamada, gaadiidka, maaliyadda, isgaadhsiinta, guryaha, ilaha dhaqaalaha sida dekada, haamaha. Wargeysyada sida Maandeeq iyo Raadyow Hargeysa muddadaas intaa iwm waxa loo isticmaalayey xukuumadda UDUB ee madaxweynaha ka yahay Daahir Rayaale kaahin iyaga oo ku tagri falay xilalkii Somaliland.

Shaqaalaha dawladda ayaa haddii ay UDUB taageeri waayaan shaqada laga rukhsanayaa. Dhamaan masuuliyiintii xukuumadda Somaliland waxay noqdeen qaar u shaqeeya UDUB, iyo reerahooda, carruurtooda sidii ay gacanta ugu qabsan lahaayeen dhaqaalaha ee aan qofna uga madax baanaadaan.

Xukuumadda UDUb mansabyo adduun mid kastaba.

Haddaba waxaan soo jeedin lahaa oo aan leeyahay UDUB Madaxweyne ilaa xoghaye degmo iyo inta maamul u dhaxaysa hala horkeeno maxkamadda shareecadda Islaamka iyo Maxkamadda sare ee JSL natiijada haraasuqdee xukuumadda UDUB halala xisaabtamo maxkamadda horteeda.

Jaamac Ismaaciil Cadaawe, Hargeysa.

Top


 

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida, Waxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub, Q: 37aad.

Mar hadday caykaas tahay oo aanay qaar dambeba ku keenin oo ay saca lo’du ku dhaqantahay qaarka hore ku keentay, qaarka horena kaygii yahay inaan lo’daa leeyahay oo aanan aabahay waxba iga helin mudaacalay baan ahay.

Wuxuuna intaa ku daray inuu hayo markhaati ka furta, ilayn odayga waa kii wixii uu markhaatiga u oogtay furay ee dabadeed ka hadlay ee isagu markhaatiyada dambe oogtee, wiilkii markhaatiyadii dambe wuu helay, sidaasuuna ku gar helay, oo lo’dii isagu ku qaatay.

Marka laga hadlayo garaha geedka iyo noocyadeeda, waxaad moodaa inaynaan xilka iska saarin dhaqankeena, oo gees walba ka dheeli tiran, waxaana laga yaabaa, haddii intan halkan ku qoran iyo taxanaheenan oo qudha qofku barto ilaa toban gar dhaqameed oo kalena uu raadiyo, laba gar dhaqamoodna dhugto (eego) inaan cid ka gar helaysaa jirin.

Waxa la yidhi waraabaa ku dhaartay “Waataan ragga qarniga 21aad ka miciin hooseeyaa, inaan arrinkaasu sidaas ahayn” waxa kaloo waraabaha la weydiiyey muxuu qabaa ragga qarniga 21aad jooga, wuxuuna ku jawaabay sidan “ri’ dhoobo gashay ama ku limatay baanay labaatan nin ka saari karin.”

Raggii hore magaca iyo dhegta ayuu xeerin jiray ee manfac ma eegi jirin, isaga oo ka hadlaya nin odaya oo la odhan jiray Jaamac Xaashi wuxuu ku maahmaahay “naf magac weyday, manfac-na ha weydo”, sidaa awgeed maanta waxaynu aragnaa in gartii iyo gobonimadii ay ka mudantahay cuntada, mise waxaynu ka liidanaa labada hablood ee ciyaar dhaqameedka isku su’aalay ee ay midi garan weyday nin fiican iyo nin xoolo leh oo labaduba la wada sheekaysta kii ay raaci lahayd, markaasay iyada oo su’aashaa weydiinaysa tii kale tidhi “Ruuneey inaadeer nin raga iyo nin reer badan, keebaa la raacaa?” Inantii kale oo u jawaabaysaa waxay tidhi “Naa isaga rog-rogi doonee nin raga iyo nin reer badan, ninka raggaa la raacaa.”

Bal haddana aynu eegno gabayada la yaaban xiligan marxaladda lagu jiro iyo waayaha dambe sida gartu tahay iyo sida gabayada iyo suugaantu u sii shiiqayaanba, abwaanka Caanka Maxamed IbraahimWarsame (Hadraawi) ayaa tuducyo ka mid ah gabayadiisa uu kaga hadlo waxyaabaha dhacdooyinka cajiibka ah wuxuu yidhi, “Waayeel gadoodoo, gacalkiyo xigaalkii, gantadii ku madhiyoo, misna loo garaaboo, gabadh ugub la siiyoo, gudbiyoo isdhaafshoo, ku gabaati qaatoo, yidhi geeri ma ahayn, waa xaal guracan oo guran oo la yaabloo, waxan uga gol leeyahay ruuxii gartow sheeg.”

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida, Waxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub, Q: 37aad.

Mar hadday caykaas tahay oo aanay qaar dambeba ku keenin oo ay saca lo’du ku dhaqantahay qaarka hore ku keentay, qaarka horena kaygii yahay inaan lo’daa leeyahay oo aanan aabahay waxba iga helin mudaacalay baan ahay.

Wuxuuna intaa ku daray inuu hayo markhaati ka furta, ilayn odayga waa kii wixii uu markhaatiga u oogtay furay ee dabadeed ka hadlay ee isagu markhaatiyada dambe oogtee, wiilkii markhaatiyadii dambe wuu helay, sidaasuuna ku gar helay, oo lo’dii isagu ku qaatay.

Marka laga hadlayo garaha geedka iyo noocyadeeda, waxaad moodaa inaynaan xilka iska saarin dhaqankeena, oo gees walba ka dheeli tiran, waxaana laga yaabaa, haddii intan halkan ku qoran iyo taxanaheenan oo qudha qofku barto ilaa toban gar dhaqameed oo kalena uu raadiyo, laba gar dhaqamoodna dhugto (eego) inaan cid ka gar helaysaa jirin.

Waxa la yidhi waraabaa ku dhaartay “Waataan ragga qarniga 21aad ka miciin hooseeyaa, inaan arrinkaasu sidaas ahayn” waxa kaloo waraabaha la weydiiyey muxuu qabaa ragga qarniga 21aad jooga, wuxuuna ku jawaabay sidan “ri’ dhoobo gashay ama ku limatay baanay labaatan nin ka saari karin.”

Raggii hore magaca iyo dhegta ayuu xeerin jiray ee manfac ma eegi jirin, isaga oo ka hadlaya nin odaya oo la odhan jiray Jaamac Xaashi wuxuu ku maahmaahay “naf magac weyday, manfac-na ha weydo”, sidaa awgeed maanta waxaynu aragnaa in gartii iyo gobonimadii ay ka mudantahay cuntada, mise waxaynu ka liidanaa labada hablood ee ciyaar dhaqameedka isku su’aalay ee ay midi garan weyday nin fiican iyo nin xoolo leh oo labaduba la wada sheekaysta kii ay raaci lahayd, markaasay iyada oo su’aashaa weydiinaysa tii kale tidhi “Ruuneey inaadeer nin raga iyo nin reer badan, keebaa la raacaa?” Inantii kale oo u jawaabaysaa waxay tidhi “Naa isaga rog-rogi doonee nin raga iyo nin reer badan, ninka raggaa la raacaa.”

Bal haddana aynu eegno gabayada la yaaban xiligan marxaladda lagu jiro iyo waayaha dambe sida gartu tahay iyo sida gabayada iyo suugaantu u sii shiiqayaanba, abwaanka Caanka Maxamed IbraahimWarsame (Hadraawi) ayaa tuducyo ka mid ah gabayadiisa uu kaga hadlo waxyaabaha dhacdooyinka cajiibka ah wuxuu yidhi, “Waayeel gadoodoo, gacalkiyo xigaalkii, gantadii ku madhiyoo, misna loo garaaboo, gabadh ugub la siiyoo, gudbiyoo isdhaafshoo, ku gabaati qaatoo, yidhi geeri ma ahayn, waa xaal guracan oo guran oo la yaabloo, waxan uga gol leeyahay ruuxii gartow sheeg.”

Top


Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

Ameerikaankiyo Biritishkow,
Weydin eersadaaye,
Argagixiso meel dheer
Hadday cidi ka eegayso
Iridaha Togdheer bay
Sidii adhi u joogtaaye,
Edegyada Hargeysiyo

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan Mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaqyahanka. Akhyaartayada indhaha buurbuuranow maanta warkii waa loo soo maydhayaa, waxaanse idiin hayaa gabay gabay dhalay iyo geeraar gabadhi dhashay oo aad loogu tabcay.

Geeraar

Jacbur aan jacbur saaray,
Duqsi aan joonyad dulsaaray.
Digaagad jaawi u dhiibayoo
Saarka soo jebinaysa.
Jirjiroole gaboobayoo
Lacag jeebka ku haysta.
Komishan jaahil ahaayoo,
Xisaabtay jacbursheen,
Ka jar been lagu oogay,
Soo jawaaba la leeyay.
Xisbi qiiro jibaysanoo
Isagoo jiqilaystay
Joojiyaay la leeyay.
Mirqaan buuraha jiidhayoo,
Jebis weyn ka baqaaya,
Jawaan joonyad xambaartay,
Jaas galbeedi la dheelay.
Jacaylkii xisbiyoobay,
Jaambad gaaban ku boobay
Jilba joog ku liqeen.
In dhawaydba ma jiifsan,
Markuu jaafa jirqaayo,
Foodkii joog lagu miisay.
Ma jin baa lagu doortay,
Natiijadan jaahwareersan,
Jiidanaysa inkaaro,
Kursi jorj la horgeeyay,
Car janjeedhi la leeyay,
mid juqaalshay dhegaha
midna jiib raminaayo,
midna jeeb madhan gaadhay
midna jeel ka baqaayo baan
jahwareeryada oogan,
laysu jaakirayaaye.
Nabaddu jalxad weeyee,
Car kumaa jebinaaya.

Gabay

Ameerikaankiyo Biritishkow,
Weydin eersadaaye,
Argagixiso meel dheer
Hadday cidi ka eegayso
Iridaha Togdheer bay
Sidii adhi u joogtaaye,
Edegyada Hargeysiyo
Berbera waa ka ariaaye,
Al-qaacidada joogtaa,
Ka badan kuniyo aalaafe,
Bal maad aragtid unugtaa
Fadhida Awdal gudaheeda
Iliilaha Sanaagiyo taleex,
Waa ku urureene,
Usaamiyo Mulii dirirayee
Nalagu eedeeyay ee aduunka
Laga baafiyaa aad yar soo galaye,
Waa kuwaa ardaagiyo,
Fadhiya ooda dhinaceeda,
Itixaad la soo ururiyoo
Aada baa badane,
Intaasaanu idin nidhi,
Haddaad iga maqlaysaane.

Top