Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 327 May 7, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Maxkamadda Sare Dadka Hala Socodsiiso Halka Ay Wax Marinayso.

Xisbiga UDUB Oo Sheegay In Ay Ku Qancayaan Go’aanka Maxkamadda Sare.

Xuskii Marxuum Cigaal Oo Lagu Soo Khatimay Gabiley: “Ninkii Dhaxalka qaatee aayar uun la dhuuntow Ma dhulkaad..” Axmed Yuusuf Ducaale.

C/laahi Yuusuf Iyo Cade Muuse Oo Kulan Oo Uu Dhexmaray Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin.

Natiijada Doorashada, Jawiga Cakiran Iyo Wakhtiga Walbahaarka Leh Ee Somaliland Ku Soo Fool Leh, Warbixin ay African Rights ka soo saartay Doorashooyinkii Madaxtinimada Somaliland.

Gudoomiyaha KULMIYE Ee Boorama Oo UDUB Ku Eedeeyay In Ay Awdal Ka Wadaan Falal Ku Lid Ah Somaliland.

Walter SiSulu Oo Ku Geeriyooday Dalka Koonfur Afrika.

Naftood-Hurayaal Falastiiniyiin Ah Oo Hawl-Gal Ka Fuliyay Israa’iil.

Cudurka SARS Oo Jaamacadaha Maraykanka Ka Horjoogsaday Ardayda Aasiya.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Somaliland Maxaa Soo Maray Cigaal Dabadii?

Haweenka Awdal Iyo Dareenkooda Doorashada.

Odayaashu Ma Waxay Noqdeen Gantaalihii Kuuriyada Waqooyi?

Jilbo-Dhiig, qiso jacayl ah, waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed (Xasan), waxaa tifaftiray A. Ducaale : 37aad.

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida, waxa qoray Cabdi Caara-dhuub, q : 38ad.


BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Maxkamadda Sare Dadka Hala Socodsiiso Halka Ay Wax Marinayso.

Guud ahaanba dalka Somaliland haddii la eego waranweryada iyo war sheekada ugu badan ee dadweynuhu isla dhex qaadayo ayaa noqotay erayada ah maxkamadda sare natiijadii doorashada Madaxtooyada wax ma ka soo saartay ama xilli ma u qabatay goortay go’aankeeda ridayso, maxay yeeli doontaa ama tallow cadaalad ma ku kala saari doontaa labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE ee ku muransan natiijadii doorashada ee dalka ka dhacday 14 April.

Dhammaan su’aalahaa iyo kuwo kale oo dhega-barjeeyay guud ahaanba dadweynaha dalka, taas oo lagu dareemayo qarada iyo miisaanka ay arrintani dadka reer Somaliland ku leedahay.

Hadddaba, waxay isweydiintu tahay Maxkamadda Sare waxay ilaa hadda uga aamusan tahay in ay dadka la socodsiiso halka uu xaal marayo. Inkasta oo loo baahan yahay in ay Maxkamaddu u talo badsato dacwadaha ay u soo gudbiyeen labada xisbi, haddana Maxkamadda waxa la gudboon in arrintan ay dhego-la’aanta ka saarto oo intaanay natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqin ay tibaaxo ka sii bixiso qaabka ay dacwadan u salayso, isla markaana ay dadweynaha ka shaafido tuhunada ku saabsan kaalinteeda xaqsoornimo iyo dhexdhexaadnimo, waxaana Maxkamadda looga baahan yahay in ay ka faa’iidaysto warbaahinta dalka, si ay mawqifkeeda dhabta ugu caddeyso dadweynaha waliilka iyo kaarka ay ku hayso siday Maxkamaddu garsoor ugu qaadi doonto dacwadaha ka taagan natiijadii doorashada iyo nooca uu noqon doono go’aanka ay gaadhi doonto.

Si aanay ku-tidhi-kuteentu u jaahwareerin dadka, isla markaana sidii horeba u dhacday markii guddida doorashada qaranku ay warbaahinta u dhegooleeyaan oo ay mar qudha natiijada u sii wada daayeen, ay taasi dadka ku keentay fir-ka-nax iyo qaadan waa, haddaba waxa doorkan Maxkamadda Sare looga fadhiya in aanay dacwaddan ula macaamilin hab qarsoodi ah, balse ay dadweynaha, axsaabta iyo warbaahintaba u suurto-geliso in ay ka bogtaan siday wax u wado, taas oo dawo u noqonaysa aqbalaada iyo meel-marinta go'’ankeeda.
 

Top


Xisbiga UDUB Oo Sheegay In Ay Ku Qancayaan Go’aanka Maxkamadda Sare.

“Waxaan Filayaa In ay Guddidu Go’aankii ay hore u qaateen ku salaynayaan jawaabtooda."

Hargeysa (Haatuf): “Ma jirto wax werwer ah oo aanu ka qabno natiijada doorashada iyoi guddida toona.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB, Axmed Xaashi oo ka hadlayay dhaqdhaqaaqyo iyo guux maalmahan laga dareemayay xisbigooda oo uu xalay wax ka weydiiyay Wargeyska Haatuf, waxaanu intaa ku daray in ay iyagu yihiin xisbigii guulaystay, sidaa awgeedna aanay jirin wax ay ka shakiyaan, isagoo yidhi, “Haddii wax soo baxayaan waxa soo baxaya 142 cod oo laga jaray UDUB gobolka Sanaag, markaa ma jiraan wax werwer ah oo aanu ka qabno guddida doorashooyinka iyo Maxkamadda toona, waxana filayaa in ay guddidu go’aankii ay hore u qaateen ku salaynayaan jawaabtii ay u gudbinayeen Maxkamadda Sare.”

Mr. Xaashi, wuxuu sheegay in aanu jirin wax dhaqdhaqaaq ah iyo shirar ay xisbigoodu yeesheen oo la xidhiidha arrinta natiijada iyo jawaabaha ay guddida doorashooyinku u celiyeen Maxkamadda, isla markaana aanay jirin kalsooni darro iyo wax werwer ah oo u muuqda xisbigooda.
Afhayeenku waxa uu sheegay in ay xisbi ahaan ku kalsoon yihiin wixii ka soo baxa Maxkamadda, wuxuuna isagoo arrintaa iftiiminaya wuxuu yidhi; “Annagu mar walba xisbi ahaan waanu ku kalsoonahay wixii ka oo baxa Maxkamadda.”

Afhayeenka xisbiga UDUB oo la weydiiyay in Maxkamaddu xisbigoodu la soo xidhiidhay, si ay wax uga weydiiso dacwadahooda, wuxuu sheegay in ay xisbi ahaan qabsadeen laba Looyar oo uga masuula dacwadaha ay gudbiyeen xisbigoodu, sidaa awgeed aanay jirin sabab loogu baahdo cid kale.

Afhayeenka mar la weydiiyay wakhtiga ay Maxkamaddu ku dhawaaqayso go’aanka, wuxuu yidhi, “Waxaan filayaa in ay maalmahan ku dhawaaqi doonto.”  

Top


Xuskii Marxuum Cigaal Oo Lagu Soo Khatimay Gabiley: “Ninkii Dhaxalka qaatee aayar uun la dhuuntow Ma dhulkaad..” Axmed Yuusuf Ducaale.

Gabiley (Haatuf): Kulan ballaadhan oo lagu soo gunaanadayay xuska geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Gabiley.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf Maxamed Xasan, waxay ahayd munaasibadaasi ahayd mid isugu jirta duco iyo quraan lagu soo khatimayay xuska geeridii Marxuum Cigaal.

Geba-gebadii munaasibadaa waxa uu gudoomiyaha ururka SIRAG, C/fataax Siciid gudoonsiiyay Marwada Marxuumka Kaltuun X. Daahir koob loogu magac daray koobka nabadda oo lagu xusayay Madaxweynihii geeriyooday.

Axmed Yuusuf Ducaale oo ereyo kooban Munaasibaddaa ka jeediyay ayaa sheegay inuu ka wakiil yahay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, isla markaana uu ku hadlayo afka dadweynaha reer Gabiley, wuxuu sheegay in ay jeclaayeen in axsaabta oo dhammi kala soo qayb-galaan xuska, laakiin aanay qaarkood kala soo qayb-gelin, wuxuuna yidhi, “Ninkii dhaxalka qaatee aayar uun la dhuuntow, ma dhulkaad la hoos mari, beritaa lagaa dhigi.”

Marwo Kaltuun X. Daahir, ayaa iyaduna dadka reer Gabiley uga mahadcelisay sidii ay u soo dhoweeyeen, waxayna intaa ku dartay in xuska Marxuumka sannadwalba lagu khatimi doono Gabiley.

Marwo Kaltuun, waxay intaa raacisay in ay maanta Somaliland meel xun marayso dhaqaale ahaan iyo siyaasiyanba, isla markaana waxay sheegtay in ay wakhtigii Marxuum Cigaal jirtay xukuumad tayo leh, laakiin waxay tidhi, “Xukuumaddu waa la kala tuuray, xisbiga UDUB-na waa lagu gelgelimaystay.”

Marwo Kaltuun, waxay sheegtay in ay Maamulka xukuumadda kala kulantay dhibaatooyin badan, waxayna iyadoo arrimahaa iftiiminaysa tidhi, “Waxaan aad ula yaabay beenta naloo sheegayo ee la leeyahay xukuumaddu waxay bixinaysaa kharashka ku baxaya xuska Marxuumka, laakiin ciida iyo calankaa xusay oo cidna uma baahna oo waxa ku filan Quraanka oo loo akhriyo.”

Marwo Kaltuun waxay tidhi, “Maamulka Qabriga beenta ka sheegay, Qaranka run ma ka sheegayaa.”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daahir iyo xubno kale, munaasibaddan waxay ahayd mid ay soo qaban qaabiyeen dadka reer Hargeysa iyo Gabiley, waxaan halkaa lagu qalay xoolo isugu jira Geel iyo Adhi farabadan.

Top

 


C/laahi Yuusuf Iyo Cade Muuse Oo Kulan Oo Uu Dhexmaray Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin.

Boosaaso (Haatuf): Kulan albaabadu u xidhan yihiin oo ay shalay yeesheen labada ee garab ee ay kala hogaaminayaan Col. C/laahi Yuusuf iyo Gen. Cadde Muuse, ayaa ka dhacay guriga uu deggan yahay Hogaamiye kooxeedka C/laahi Yuusuf ee magaalada Boosaaso. Kulankaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Boqor Cismaan Aw Maxamuud iyo Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan oo labaduba ka soo jeeda gobolka Sanaag ee Somaliland, waxa lagaga wada hadlay dhammaystirka heshiiskii iyo waanwaantii ay ku dhexdhexaadinayeen madax-dhaqameedyadani labada garab ee isku haystay Puntland.

Kulankan oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolayn, kadib ayay labada hogaamiye ee wada hadalku u socday shir-jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen inuu dhammaaday khilaafkii u dhexeeyay labadooda, isla markaana waxay caddeeyeen in la soo afjaray mushkiladii iyo xiisadii siyaasadeed ee u dhaxaysay waxayna intaa ku dareen in wixii dhimman si dhakhso ah loo dhammayn doono, laakiin intii badnayd heshiiskanu uu dhammaaday.

Suxufiyiinta oo waydiiyay Jen. Cadde Muuse, heshiiskan sida uu u arko, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo heshiiskan dhinaciisa oo aanay jirin wax cabsi ah oo uu ka qabo heshiiskan, waxaanu intaa ku daray inuu wada hadalkoodu bilaabmay dhawr bilood ka hor oo markii ugu horeysay isagu telefoon kula soo xidhiidhay C/laahi Yuusuf.

Gen. Cadde Muuse oo wax laga weydiiyay in ay jiraan dad ka soo horjeeda heshiiskan, wuxuu sheegay in aanay taasi ahayn mid caqabad ku noqon korta geedi socodka heshiiskan.

Dhinaca kale, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa caddeeyay inuu heshiiskani yahay mid dhammaaday oo wixii ka qabyo ahna ay dhammaystiri doonaan, isla markaana ay dadweynaha dhinacooda ka talo-gelinayaan oo aanay waxba ka qarsanayn, waxayna labada hogaamiyeba sheegeen in ay dhawaan u ambabixi doonaan shirka Soomaalida uga socda magaalada Nayroobi, laakiin Cadde Muuse oo su’aal arrintaa ku saabsan la weydiiyay ayaa sheegay in ay haddii u suurtowda ka qayb-galayo shirkaa, balse wuxuu walaac ka muujiyay sida ay ugu suurowbayso inuu ka qayb-galo shirkaa, isagoo sheegay in ay hawlo badani ka dayacan yihiin.

Top


Natiijada Doorashada, Jawiga Cakiran Iyo Wakhtiga Walbahaarka Leh Ee Somaliland Ku Soo Fool Leh, Warbixin ay African Rights ka soo saartay Doorashooyinkii Madaxtinimada Somaliland.

Deganaashihii iyo jawigii ciideed ee ay Somaliland uga qabsoontay doorashadii madaxtooyada Abril 14-keedii, 2003, si xunbaa loog dhoobaystay. Galabnimadii Abril 19-ka ahayd, Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay ku dhawaaqeen in musharaxii UDUB, Madaxweynaha hadda xilka haya Daahir Rayaale Kahin, ku guulaystey tartankii doorashadaas.
Tirada uu ku helayna waxa lagu sheegay inay tahay 80 cod oo qudha oo isla markiiba keentay in natiijadii shaki galo, taasoo kicisay rebshado ka aloosmay laba ka mid ah magaalooyinkii uu xisbiga KULMIYE ee ugu mudan mucaradka sida laxaadka leh ugaga horeeyey xisbiyadda kale, kuwaas oo kala ah Burco iyo Gebiley. Ilaa maalintaa waxa dhacayey falal jidh garaac ah, xadhig iyo xabisaad sharci darro ah oo lagula kacay taageerayaasha mucaaradka. Waxaa kale oo la mamnuucay mudaharaadyo ay taageerayaasha mucaaradku ay rabeen inay cabashooyinkooda si nabad gelyo leh ugu muujiyaan. Isla markaana waxa bilaabmay in la xoojiyo shebakadda dhegeysteyaasha dawladda, xayiraado warfaafinta lagu soo rogo iyo shaqo-ka-eriga saraakiisha ciidamada Qaranka iyo Bileyska qaarkood, iyada oo lagu tuhmay inay raacsan yihiin mucaaradka. Nabadda iyo xasilooniada waxa soo xero-geliyey shacbiga oo dedaal horumar weyn lahaa ka sameeyey si ay uga soo kabtaan taariikhdii colaadaha, ku xad-gudubkii xuquuqda aadamiga iyo tacadigii dalka ka dhacay. Hase yeeshee, wixii ka soo baxay doorashadu waxay iftiimiyeen miisaan ay labadiisa kafadood kala saaran yihiin yididiilo iyo mustaqbal rajo xambaarsan iyo xusuusta taariikhdii murugada lahayd ee hore Somaliland u soo martay, waxaana ka dhashay niyad jabka sii kordhaaya ee dadweynaha.

Intii aanay Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijadii waxa jiray tibaaxo xoog leh, sax iyo khalad mid ay ahaayeenba oo tilmaamayey in xisbiga KULMIYE uu ku guulaystay doorashadii.

Waxa kale oo jirtay in maalintii doorashada lagu dhawaaqayey ay soo ifbaxeen culaysyo dibadda kaga imanaya Guddida Qaranka ee Doorashooyinka, arrimahaas oo dhamaantood marka la eego ka dhex abuuray bulshada dhexdeeda shaki iyo xiiso siyaasadeed.
Arrimuhu waxay soo jiitamaanba waxay cirka isku shareereen 24-kii Abril markii xisbiga KULMIYE uu qabtay kulan saxaafadeed oo ay ku soo bandhigeen tirooyin khaldamay markii la isku geynayey codadkii uu xisbi kastaa ka helay goobihii codbixinta.

Kulankaa oo ay ka soo qayb galeen madaxda KULMIYE ka sokow, hogaamiye dhaqameedyo, duqayti, culimaa’udiin iyo gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Axmed X. Cali Cadami, waxa xisbiga KULMIYE uu halkaas ku sheegay in tiro codad ah oo dhan 156 cod looga codeeyey Burco iyo Gar-Adag ay ka maqantahay tirada guud ee codadkii ku soo baxay natiijadii ay ku dhawaaqday Guddida Doorashooyinka Qaranku 19-kii Abril.

KULMIYE isaga oo tiradaas uu sheegay inay ka maqantahay ku xisaabtamaya wuxuu ku dacwooday inuu Xisbiga UDUB kaga horeeyo 76 cod.
Hase yeeshee Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay ku adkaysteen inaanay lahayn awood ay natiijadii soo baxday ay wax kaga bedelaan, iyaga oo ku dooday in Maxkamadda Sare ay tahay cida awooda u leh inay go’aan ka gaadho wixii tabasho ah ee ku saabsan natiijadda ku meel gaadhka ah ee doorashada.

Marka la eego xisaabtan murugtay iyo diidmadan Guddida Doorashooyinka Qaranka ka soo yeedhay inay qirato masuuliyadda ka saaran arrintan waxa mawqifkan ka dhalan kara inuu sii riiq dheeraado jawiga siyaasadeed ee cakiran ee dalka aloosan.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku gacan saydhay natiijaddii Guddida Doorashooyinka Qaranku ay soo saareen, natiijadaas oo siday Guddida Doorashooyinka Qaranku sheegtay ciddii ku qanci weydaa ay rafcaan ka qaadan karto maxkamadda sare. Haddaba xisbiga KULMIYE wuxuu deedefeeyey gar-qaadista maxkamadda sare oo ay u arkeen garsoor tamar yar, una badan rag ay dawladdu soo magacawday nufuud weyna ay ku leedahay in aanay gaadhi karin go’aan cadaalad ku dhisan. Dhinaca kale taageerayaasha KULMIYE hinjiyey culays weyn tabanaya in xisbigoodu soo dhiso maamul dawladeed oo gaar ah. Walo hogaanka xisbiga KULMIYE hore u sheegay inay aaminsan yihiin mushkilado xal nabadgelyo lagu dhameeyo, hase yeeshee ma jirto cid si buuxda u damaanad qaadi karta inay xakamayso cadhada ka soo butaacaysa taageeroyaasha KULMIYE dhexdooda kuwaas oo badankood yihiin dagaalyahankii hore.

Intii ay ku jireen doorashooyinka haday tahay tii dawladda hoose ama tii madaxtinimada dalka, dadka reer Somaliland iyaga oo wadar-ahaan u kala soocnayn halkay ka soo kala jeedaan ama fikradaha siyaasadeed ee ay kala qabaan, waxay ka run sheegeen siday ugu tabaabushaysan yihiin geedi socodka hanaanka dimuqraadiyadda, balse waxa nasiib daro noqotay wixii uga soo baxay oo noqon waayey wixii ay filanayeen.

Haddaba murugan iyo arrintan soo foodsaartay u baahan yihiin dhabar-adayg iyo kaalin hogaamineed oo mug leh oo xaaladan ka saarta, ilaa hadana arrintaasi ma muuqato, taasoo hadii si deg deg ah aan wax looga qaban ka dhigi doonta dadka reer Somaliland ee gudaha dalka ku sugan iyo qurbo-joogooda faraha badan kuwo dhamaantood tacab khasaaray.

Guddida Doorashada Qaranka Iyo Isugeynta ka Khaldantay
Hawshii soo foodsaartay Doorashooyinku ma ahayn mid sahlan. Qabanqaabinta doorashooyinkii Dawladaha Hoose iyo doorashadan madaxtooyada muddo afar bilood qudhihi u dhaxaysay ku qabsoomay, ka dib 35 sanadood oo dalku ku jiray majara-habaw iyo jaho-wareer siyaasadeed, waxay ahayd shaqo mucjiso ah oo dhaxal-gasha. Iyada oo ahayd dalkoo dhan wax ku cusub hab-dhaqanka doorashooyinku, waa gef haddii la qiime-tiro caqabadaha qarada weyn ee ka hor yimid Guddida Doorashada, haddii ay tahay xag waaya-aragnimo, aqoonta cilmi-farsamo iyo hantida tamarta yar, culayska iyo cabasooyinka kaga imanayey dhinacyada siyaasadeed, kaalmada yar ee beesha caalamku u fidisay iyo rajooyinka dadweynuhu ka naawilayey oo aan is daboolayn iyagoo ka sarreeyey mugga karaankooda. Arrimahaas oo dhan oo innaga caawin kara inay fasiraan sababaha ugu fashilmeen inay ka hortagaan ama saxaan gol-daloolooyinka qaarkood ka hor doorashooyinka iyo maalintii cod-bixintu dhacaysey isla markaana ay iftiimiyaan sababta dib-u-dhacii ku dhawaaqidii natiijooyinkaba. Haddana uma noqon karto cudur-daar waaqica la yaabka leh ee halista siyaasadeed ee ka dhalatay Guddida Doorashada oo Isugeyntii tirooyinka khalday. Dhugmo fiican oo lagu eego tirooyinka 19-kii Abril lasoo bandhigay waxay muujinayan khaladdo fara badan.

Marka natiijooyinkii hor-dhaca ahaa ee Guddida Doorashooyinku saxeexeen ee Degmada Burco la isu geeyo, waxay dhab ahaan muujinayaan inay tirada KULMIYE ka maqan tahay 156 cod. Isla mar ahaanna, African Rights waxay heshay nuqulkii natiijadii doorashada ee xisbiga UDUB ee uu soo bandhigay Xafiiska UDUB ee Degmada Burco oo tirooyinkoodu is-khilaafsan yihiin natiijada degmada burco ee ku yaal nuqul uu saxeexay Guddoomiyuhu. Xataa tirooyinkaana qalad baa iyana ku jira.

Cabashooyinkii Xisbiga Kulmiye soo bandhigay waxay sababeen UDUB oo isna cabasho ka hor keenay iyo inuu weliba soo kiciyo dad ka cabanaya codadkoodii oo aan la tirin sababo nidaamka doorashada khilaafsan awgood. UDUB wuxu markii hore ku tiraabay inay yidhaahdaan waxa naga lumay in ka badan 10,000 oo cod oo lagu joojiyey go’aan guddida Doorashadu ku horjoogsaday in la furo oo la tiriyo sanaaduuqdii ay ku jireen. Shir Jaraa’id oo ay qabteen 30kii Abril, mar kale, baa dhegeysteyaal Odayaal dhaqameed iyo culamaa’udiinba leh hortooda, Xisbiga UDUD rogaal celin isku deyey inuu beeniyo xisaabtii Kulmiye soo bandhigay 24kii Abril ee Natiijada doorashada Burco ku saabsanayd.
Maalmihii ka dambeeyey ilaa maalintii natiijada doorashada lagu dhawaaqay ka dib, waxa soo if-baxay, khaladyo xidhiidhsan oo is-ka daba imanayey. Metelan markii lagu weydiiyey, cabashada Kulmiye sheegtay waraysti uu la yeeshay African Rights 27kii Abril, mid ka mid ah Guddidu wuxu ku jawaabay ‘’Waxa kaloonnu ka war-hellay qalad ku saabsan Gobolka Sanaag oo UDUB siinaya codad siyaado ah’’. Marka gaar la isku yahay Guddida Doorashadu ma yidhaahdaan tirooyinka aannu soo saarray sidaasay sax kama dambays ah ku yihiin, haddana markay fagaare-yaasha ka hadlayaanse si adag ayey u dafiraan wax qalad ah inay sameeyeen haba yaraatee, iyaga oo yidhaa ciddii doonaysa inay dacwootaa waxay tegi kartaa Maxkamadda’’. Laakiin, Qaladdaad xisaabeed ee xaddi dhaafka ah oo qaarkood UDUB u sad-burinayaan, qaar kalena Kuliye, ma noqon karaan sida aad mooddo Guddida Doorashadu inay rumaysan yihiin, kuwo abuuri kara guuldarro siyaasadeed. Welibana wuxu dhidibbada u saari karaa nidaamka siyaaasadeed gebi ahaantii oo ku reebta dadweynaha reer Somaliland dhako-faarka sidii codkoodii loo tiriyey.

Markay damcaan inay sharxaan faraqyadaa kala geddisan, waxay Guddidu ku doodeen in natiijadii 19kii Abril ahayd mid muujinaysa keliya natiijadii ugu horreysey iyo in Xafiisyadii Gobollada ee Guddidu ay ilaa 21ka Abril ahayd inay kusoo xereeyaan natiijooyinka kama dambaysta ah. Haba ahaatee, haddana waxay Guddidu ku adkaysanayaan inaanay tirooyinka kama dambeysta ah ee soo xeroodaa waxba ka beddelaynin xaqiiqada ah inuu UDUB weli ku badiyey 80 cod.

"Isugeynta Guud ee tirooyinku had iyo jeer waa sidii uun", oo Guddoomiyaha wax xaggiisa iskama beddelaan- waa hadal aad ay u adag tahay in loo dul-qaato.

Halkay Sartu Ka Qudhuntay: Ku Takrifalka Haybadda Siyaasadeed
Isaga oo u jawaabaya shacbiga raagsaday natiijada, Guddoomiyaha Guddidu wuxu Raadyow Hargeysa kasii daayey galabnimadii Khamiiseed bishii Abril 17dii in natiijada lagu dhawaaqi doono ama Jimcaha 18ka ama Sabtida 19ka bisha ugu dambayn. Galabnimadii Jimce, African Rights iyo kuwo kale oo badaniba waxay ka heleen Guddida doorashada marti-qaad inay kala soo qayb-galaan xafladda ku dhawaaqidda natiijada doorashada 9.30 subaxnimada bisha 19da. Waa wax caqli-gal ah in loo qaato in ay natiijooyinkii diyaar ahaayeen markii la soo dirayey waraaqaha marti-qaadka. Hase yeeshee, markii warfidiyeennada iyo dadkii kalee lasoo marti-qaadayba ay kusoo xaadireen xafiisyadii Guddida aroornimadii 19naad ee Abril, dib u dhacyo iyo murug ayaa saaxadda ka muuqatay hadhaynayeen. Su’aalo ayaa ka soo baxay in la isweydiiyo markii ay Guddidu qaabbishay Hoggaamiyeyaasha Guurtida, Golaha Odayaasha, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada. Waxay u yimaaddeen Guddida, sida ay Guddidu ku andacoodeen, inay soo gaadhsiiyaan cabasho ku saabsan hab-socodka doorashada oo ay ka sideen Xisbiga UDUB. Mar labaad ayey kusoo noqdeen isla maalintaa si ay Guddida usoo gaadhsiiyaan dhambaal gacan ku qoran oo xambaarsan codsi ku saabsan in ku dhawaaqidda doorashada dib loo dhigo muddo 48 saacadood ah. Ugu dambayntii, taasi waa laga diidey, natijooyinkiina waxa lagu dhawaaqay afartii iyo Rubuc galabnimo. Waxay kaloo qirteen Guddida Doorashadu inay Hoggaamiyeyaasha Guurtidu ula yimaaddeen habeennimadii Jimce farriin cabasho oo isla taasoo kale ah.

Booqashooyinkaa aan qarsoodiga ahayn ee ay Guurtidu ugu yimaddeen Guddida Doorashada isla subaxnimadii ay ku dhawaaqi lahaayeen ciddii doorashada ku guuleysatey waxay marti-qaadday dhaliil weyn. Reer Somaliland badiba waxay aamminsan yihiin inay u daba-galleynayeen sidii ay u xaqiijin lahaayeen in Xisbiga Dawladdu guulaysto, oo ahayd ashkato ay guurtida iyo Guddida Doorashaduba dafireen. Guurtidu waxay leeyihiin waxaannu ugu tagnay ergo nabadeed, si aannu u xiisadda u dejinno iyo si aannu cadhada siyaasadeed u qaboojinno.

Shaki la’aan, isbeddel weyn bay Guurtidu ku lahayd dhidibbo u taagidda iyo xasillinta nabadda Somaliland ka tisqaadday. Waayadii qalalaasaha ee ka dhaxaysey 1992 ilaa 1995kii, waxay ahayd hoggaamintii iyo hagar-bixiddii guurtidu ta ay ku taabba-qaadday nabadda manta ka jirta Somali-land. Haddaba iyada oo Guurtida qaarkood badani weli ku joogaaan madax-bannaani, haddana Guurtidii hay’ad ahaan waxay si weyn ugu xidhantay uguna milantay xukuumadda oo ka dib looma aqoonsanayo inay yihiin hay’ad siyaasiyan door dhexdhexaad ah qaadan karto ama horjoogsi ugu babac-dhigi karta siyaasadaha xukuumadda ilaa heer caddaaladda mija-xaabinaya ama nabad-geliyada khatar gelinaysa gaadhsiisan. Sidaa awgeed ayaa imaatinkii Guurtidu kusoo xaadireen xafiisyada Guddida Doorashada subaxnimadii 19kii Abril, oo ay ka muuqdeen qaarkood Xukuumadda aad u taageera ama UDUB u ololeeyaa, ay kicisay su’aalo badan in la iska weydiiyo ujeeddooyinkii ka dambeeyey iyo noociyadda soo dhex-galkoodu. Waayo guurtidu kumay lahayn kaalin cayiman geeddi-socodka doorashada. Haddii qasdigoodu nabad yahayna, aad bay u adag tahay in la fahmo, sababtii ay waxba uga qaban waayeen inay Guddida ka caawiyaan xad-gudubyadii guddidu dawladda dhalliilaha badan ugu soo jeedisey intii ka horreysey maalintii doorashadu dhacaysey. Sidoo kalena, weli Guurtidu waxba kamay odhan jidh dilka lagu sameeyey dad ay haween iyo ubad yaryari ku jiraan iyo falalka kale ee hagar-daamada ah ee dhacayey intii doorashadu dhammaatay.
Intee In Leegba Lagu Kalsoonaan Karaa Xaqsoorka Garsoorka?

Waxa jirta in dadweynuhu aad uga dheregsan yahay tayo xumida nidaamka garsoorka Somaliland yahay. Shukri Xaaji Boondare oo ka tirsan Guddida Dorashadu waxay cabbirtay kalsoonida ay ku qabto hab-dhaqanka Maxkamadda Sare iyadoo tidhi: “Waxaannu kalsooni ku qabnaa in maxkamaddu go’aanka habboon ah qaadan doonto”. Laakiin lagama yaabo inay dadka intiisa badani kalsoonidaa la wadaagaan; saa tusaaleyaasha is-daba-marinta siyaasadeed iyo xad-gudubyada asaasiga ah ee maamulka caddaaladda ayaa nasiib darro, tammuuxaa ka badan oo inay had iyo jeerba dhacaan la wada ogsoon yahay. Sida mutuxan ee uu Ismaaciil Aadan Cismaan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo ugu dhawaaqay waxa uu qabo inay Maxkamaddu ku dhawaaqi doonto uun Natiijadii Guddigu hore ugu dhawaaqay waxay sii xoojinaysaa shakigii awelba laga qabey inay caaddil ka noqon doonto hawlaheeda. Wuxuu warbaahinta u sheegay: "In natiijadii saxa ahayd ee ay Guddidu soo saartay tahay midda ay ku dhawaaqi doonto Maxkamaddu. Kulmiyena waa inuu sidaa oggolaado oo u hambalyeeyo”.

Waddadee baa furan in laga baxo?

Guddida Doorashadu waa inay jawaab degdeg ah oo geesinimo leh oo lagu wada qanci karo bixiyaan, iyagoo qiranaya qaladaadkooda, si deggan dib ugu eegaya tirooyinkooda iyo iyagoo soo bandhigaya tirooyin sax ah. Taasi waa tallaabada ugu horreysa ee muhiimka u ah ka hortagga qalalaase kaca. Intaa waxa raaca in guud ahaan loo baahan yahay in uu jiro garwaaqsi miiisaan leh oo looga yeesho gudahada iyo dibaddaba halista dhibaatadani leedahay oo si taxaddir iyo foojigo leh loola socdo xaaladda. In Ashkhaasta iyo kooxaha, dhinac kasta oo mabaadidooda siyaasadeed u janjeedho, inay wada jir uga dalbadaan ugu dirqiyaan dhammaan axsaabta siyaasadeed uga wada shaqeeyaan si xal nabadgeliyo looga gaadhi lahaa mashkaladdan. Horrayso amma dambayso muddada dheer, haddii aan khaladaadka ku jira natiijada doorashada si cad loo qirin waxay u badan tahay inay cawaaqib xumo khasaare huwan u yeelan doonto Somaliland oo dhan. Si aad ah ayey u adkaan doontaa in lagu yagleelo xukuumad deggan oo kalsooni haysata tirooyinka aad u yaree ku dhisan natiijooyin laysku khilaafsan yahay keliya balse khaladaadka ku jira aanu caad saarrayn.

Waa wax looga fadhiyo waxa ka iman kara haddii arrintuu u gudubto Maxkamadda Sare, ugu yaraan waxa loo baahan doonaa in dadweynaha lala socodsiiyo sida ay wax u socdaan, waqti ay ku egtahay lana siiyo shacbiga dammaanad qaadka madaxbannaanida Garsoorka. Cabashooyinka UDUB waxay xambaarsan yihiin hindisooyin ay ku sheegeen inay oggolyihiin inay si u sahlan tahay inay ka tashanayaan dhawr go’aan kii ay ku tallaabsanayaan iyo inay diyaar u yihiin iskaashiga cid kasta oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ay khusayso, sidii loo abuuri lahaa hab la isku waafaqsan yahay oo khilaafka lagu dhammeeyo.

Taasi waxa ku jiri karta dib u tiring in codadka lagu sameeyo iyada oo ay dusha ka ilaalinayaan goob-joogeyaal madax bannaan oo waddani iyo Caalamiba isugu jira, iyo xataa doorashadii oo dib loo qabto iyadoo ay intaa xilka sii hayn doonto xukuumad ku meel-gaadh ah. Isla mar ahaanna, warbixinah qalaanqallo doorashada dabadeed dhacay dhawr gobol dalka ka mid ahina werwer badan bay leeyihiin. African Rights arrimahaa ayey si taxadder leh ula socotaa, waxaanay ku talo jirtaa inay hadba soo daabacdo wixii kasoo kordha. Si kasta oo ay wax isaga beddelaan saaxadda siyaasadeed, waa in aan xukuumaddu isku deyin tallaabooyin dambe oo ay ku xakamaynayso xorriyaadka asaasiga ah iyo cabudhinta xuquuqda dadku u leeyihiin inay ku taageeraan mucaaradka.

Top


Gudoomiyaha KULMIYE Ee Boorama Oo UDUB Ku Eedeeyay In Ay Awdal Ka Wadaan Falal Ku Lid Ah Somaliland.

Booraama,(Haatuf) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee degmada Boorama mud Axmed Yuusuf Farax Abraar ayaa sheegay in saddexdii casho ee ugu dambaysay ay Boorama ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan dad ka tirsan Xisbiga UDUB kuwaasoo sida muuqta wada arrimo ka dhan ah qarannimada iyo goonisutaagga Soomaaliland.Axmed Yuusuf oo xalay waraysi siiyey weriyaha HAATUF ee Boorama Maxamed Cumar isaga oo yidhi "Waxan hubaa in beryahan dambe dadkii taageerayey xisbiga UDUB iyo qaar ka tirsan hoggaankooduba ay urursanayaan dad la sheegay inay ku tallaabsanayaan inay calankii Soomaaliya Boorama ka taagaan,isla markaana doonayaan inay sheegtaan wax la yidhaa Awdal-land oo taageero ka heleya dalal deris ah''. Guddoomiyaha kulmiye e Boorama waxa kale oo uu yidhi"dadkaasi sida la iigu sheegay warar xogogaal ah waxay hawshan bilaabeen intii natiijada doorashooyinka ee lagu muransanyahay an lagu dhawaaqin,iyagoo ku ballanqaadaya in haddii guusha doorashooyinka la siin waayo ay goosan doonaan"."Markii natiijada ku meel gaadhka la shegayna waxay farxaddoodii la jiidheen dad ganacsato ,meherado iyo taageerayaashii KULMIYE guryahoodii".

Axmed Yuusuf Faarax waxa kale oo uu sheegay in horeba ay dadkaasi ugu taamayeen taageerada Jabuuti haddii Guusha UDUB la siin waayo,iyagoo hubaysanna ay qarannimada Soomaaliland baabiin doonaan."Waxan rumaysanahay in oo an ogahay in dadka wada arrintaasi ay isgu jiraan ganacsato, xubno ka tirsan maamulka qaranka iyo kan UDUB oo anay awalba Soomaalilandnimadu daacad ka ahayn qarankana ay kula shaqaysanayeen laba wajiile nimo.Ugu dambayntii Axmed Yuusuf Farrax waxa uu uga digay kooxahan isu dayaya inay durba majaxaabiyaan qarannimada dhiiga loosoo huray inayna ka macaashi doonin,sidaa darteed guul kasta oo ay ka helaan doorashooyinkii lasoo dhaafay bishii hore anay noqonayn mid lagu aaminayo UDUB iyo inta sida fudud loogu dhiibay maamulka dalka oo aanay xoreyntiisii waxba ku darsan wax ay ka ridaan mooyee.

Top


Walter Sisulu Oo Ku Geeriyooday Dalka Koonfur Afrika.

Johannesburg (W.Wararka):- Waxa ku geeiyooday Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika maalintii shalay Walter Sisulu oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii waaweynaa ee halgankii ay dadka Koofur Africa ee madoobi kaga soo hor jeedeen nidaamkii midab-takoorka ahaa ee ka jiray dalkaasi, isla markaana ahaa saaxiib ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela iyada oo da’diisu ahayd 90 jir.

Sida ay sheegtay af-hayeen u hadashay Nelson Mandela, hogaamiyahaasi Walter Sisulu waxa uu geeriyooday ka dib markii uu mudo dheer bukay xaaladiisa caafimaadna ay leedadatay.

Walter Sisulu oo dhashay sanadkii 1912-kii oo ah sannadkii la aasaasay xisbiga ANC oo halgan dheer u soo galay sidii uu talada uga tuuri lahaa nidaamkii midab-takoorka ahaa oo markii danbe qabtay talada dalkaasi 1994-kii, waxa uu ka soo jeedaa asal ahaan dhulka baadiyaha ah ee faqiirka ah, balse markii danbe waxa uu noqday xidig ka dhex widhwidhaya halgankii ururkii ANC ee uu hogaanka u hayey Nelson Mandela.

Waxa kale oo uu ahaa hogaamiye muuqda oo si weyn uga dhex muuqday dagaalkii dheeraa ee lagula jirey midab-takoorkii kaas oo markii danbe hor seeday xoriyada ay heleen dadka madaw ee Koonfur Afrika oo asal ahaan dhulkaa iska leh.

Walter Sisulu waxa uu noqday xog-hayihii guud ee ururkii ANC intii u dhaxaysay 1949-1954-kii intii aan la mamnuucin ka dibna waxa uu jeelka la galay Nelson Mandela oo ay wada xidhnaayeen 26 sannadood iyada oo mrkii danbe Nelson Mandela uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee ay yeeshaan dadka madaw ee dalkaasi 1994-kii.

Nelson Mandela isaga oo ka hadlaayey geerida ku timid saaxiibkii Walter Sisulu waxa uu sheegay inay saaxiibo isku dhaw ahaayeen mudo gaadhaysa Nus-Qarni iyada oo ay cuntada wada cunayeen bilihii ugu danbeeyey waxaanu muujiyey sida weyn ee uga murugooday geeridiisii waxaanu yidhi: “ Qayb iga mid ah ayaa socotay” isga oo hadalkiisii sii watana waxa uu intaa ku daray isaga oo ka sheekeeyey waayihii ay soo wada mareen: “ Waxaanu kulanay markii noogu horeysay 1941-kii mudadii intaa ka danbaysay oo gaadhaysa 62 sannadood noloshayadaa isku milantay, waxaanu qaybsanay farxada iyo murugada afkaarta iyo talada anaga oo wada galnay balamo adag, anga oo soo wada jiidhnay wabigii dhimashada isla markaana aanu isku ahayn ul iyo diirkeed anga oo is cuskanaynay markay xaaladu adkaato, aakhirkiina waxaanu wada dhandhaminay macaanka xoliyada” ayuu hadalkiisii ku soo gabogabeeyey Nelson Mandela oo ay isagana haataan da’diisu tahay 84 sannadood.

Geerida Walter Sisulu waxa loo arkaa inuu meesha ka baxay hogaamiye weyn oo uu lahaa ururkii ANC.

  Top


Naftood-Hurayaal Falastiiniyiin Ah Oo Hawl-Gal Ka Fuliyay Israa’iil.

Raamalla (W.wararka):- Garabka melatari ee ururka Al-Fatax ayaa qirtay inuu isagu ka danbeeyey weerar is biimayn ah oo laga fuliyey kantarool ay lahaayeen ciidamada reer israa’iil oo ku yaalay bariga magaalada Raamalla, halkaas oo uu ku dhintay askari israa’iili ah Laba kalena ay ku dhaawacmeen maalintii shalay.

Sida uu xaqiijiyey qof aan la garanayey oo Telephone kula soo xidhiidhay wakaalada wararka ee France ee AFP, hawl-galkaa waxa fuliyey garabka melatiri ee Al-fatax oo loo yaqaano Shuhadaa Al-Aqsa, waxaanu sheegay in kasta oo bulshada caalamku ay isku hawleen inay nabad ka dhaliyaan Bariga Dhexe hadana: “ Waxaanu halgan joogto ah kula jirnaa ciidamada iyo dadka la deegaameeyey ee ku sugan dhulkayaga” Ayuu yidhi qofkaa aan la garanaynini.

Sida uu ku soo waramay wariye goob-joog ka ahaa halka uu ka dhacay weerarkaasi, naftood hurayaasha falastiiniyiintu waxay weerar la beegsadeen kantarool melatari oo ku yaalay dagmada Diiba iyada oo uu halaa yaalay gaadhi uu lahaa qof ka tirsan dadka la deegaameeyey waxaana halkaa ku dhintay qof yahuudi ah iyada oo uu ku dhaawacmay ilmo uu dhalay iyo nin askari ah oo la sheegay inay xaaladiisu halis tahay.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamada Israa’iil ayaa dhulkaasi xoog ku galay ka dib markii uu dhacay weerarku iyaga oo adeegsanaya Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter-ta ah iyo noocyada kala duwan ee hubka iyo taangiyada milatariga waxaana la sheegay inay laba Falstiiniyii ahi ku dhaawacmeen weerarka ciidamada Israa’iil, waxaanay ciidamada Israa’iil dhulkaas ku soo rogeen bandoo iyaga oo xayiray dhamaan isku socodka dhulkaasi.

Weerarkani waxa uu ka danbeeyey markii uu hawlgali noocan oo kale ahi ka dhacay maalintii doraad magaala Madaxda Israa’iil ee Tel-Aviv.

Top


Cudurka SARS Oo Jaamacadaha Maraykanka Ka Horjoogsaday Ardayda Aasiya.

Peking (W.Wararka):- Jaamacadaha dalka maraykanka ayaa joojiyey diiwaan galinta boqolaal arday oo ka socoda dalalka Asia taaso oo ay sabab u tahay cudurka SARS ee ku faafaya dalalka Koonfur Bari ee Asia, waxaanay madaxda jaamacadaasi ka cudur-daarteen inay diiwaan galiyaan ardaydaasi iyaga oo sheegay inuu go’aanka arintaa laga gaadhay uu ka dhashay ka dib markii wada tashi balaadhan oo dhinaca caafimaadka ah laga yeeshay maadaama aan cudurkaasi dawo loo haynin isla markaanna uu si degdeg ah u faafayo.

Qaraarkan ay gaadheen jaamacadaha Maraykanku waxa uu ka danbeeyey ka dib markii iridaha loo laabay jaamacadihii ku yaalay dalalka Hong-Kong, Taiwan, China iyo Singapore, waxaanu ilaa iyo hada cudurkani dilay 464 qof oo ku nool caalamka waxaana ka mid ah 206 qof China ah, iyada oo ilaa iyo haatan la diiwaan galiyay 6500 qof oo uu cudurku gaadhay, sida ay sheegayaan baadhitaanadii ugu danbeeyey ee lagu sameeyey Virus-ka dhaliya cudurka SARS waxa uu sii noolaan karayaa dhawr saacadood marka uu ka baxo jidhka qofka.

Dhinaca kale dawlada Japan ayaa sheegtay inay ka caawinayso dawlada China la dagaalanka cudurka SARS iyada oo codsi arintaa ku saabsan ka heshay dawlada shiinaha.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Somaliland Maxaa Soo Maray Cigaal Dabadii?

Waxay ahayd Jimce, 3dii May, 2002dii, abaaro 3:00 galabnimo markii ay dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland ay ku warheleen geerida madaxweynahoodii hore, halyeygii dhidibada u taagey haykalka dawladnimo ee Somaliland marxuum, M/weyne Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaana ay si lama filaan ah ay dadku warkaas dhiilada leh uga maqleen idaacadda Radio Ethiopia ee magaalada Addis Ababa oo ahayd idaacaddii ugu horraysay ee laga baahiyay geeridaa naxdinta iyo dhiilada huwaneyd.

Laba saacadood iyo badh ka dib (5:30 galabnimo) ayaa waxa shir isugu yimid shirguddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, waxaana ay sidii Distoorku dhigayay ay isla goobtii (xarunta madaxtooyada) ugu dhaariyeen in uu jagada uu ka baxay marxuum Cigaal buuxiyo, madaxweyne ku xigeenkii Somaliland Daahir Riyaale Kaahin. Dhacdadani waxa ay filan-waa iyo fajac ku noqotay cadawgii Somaliland oo rayn rayn iyo riyaaq ku jiray intii ka horraysay dhawaaqaa geesinimada lahaa ee ka soo yeedhay shir guddoonka Barlamanka, iyaga oo cadawgu is lahaa maanta uun bay u dhamaatay Somaliland, mar haddii uu god galay geesigii dalaalimada u ahaa oo ay iswada qabsan doonaan.

Haddaba waxa aan bal qader is dul taagi doonaa muddadaa sanadka ah ee ka soo wareegtay geeridii marxuum, M/weyne Maxamed Ibraahim Cigaal iyo waayihii ay soo martay muddadaasi Jamhuuriyada Somaliland.

Arrimaha Dibadda:

Maxaxweynahii cusubaa ee la dhaariyay; Daahir Rayaale Kaahin waxa uu socdaalkiisii ugu horreeyey ee uu dibadda ugu baxo intii loo dhaariyay xilka uu ku tagey dalalka aynu deriska nahay ee Djibouti, halkaasi oo aad loogu soo dhaweeyey. Waxa uu intii uu Djibouti joogey wada hadalo la yeeshay madax sare oo ka tirsan dawladda Djibouti oo uu ku jiro madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya xidhiidhka labada dal ee deris ah iyo guud ahaan arrimaha Soomaalida.

Waxaana ay qalinka ku wada duugeen labada madaxweyne heshiis ka koobnaa 7 qodob oo la xidhiidha sidii loo dardar gelin lahaa xidhiidhka labada oo waayadaasi uu madmadow soo dhex galay, waxaana qodabada heshiiskaas ka mid ahaa in sida ugu dhakhso badan loo furo xuduudda labada dal oo waagaas xidhnayd. Waxaana isla markii uu madaxweynuhu ku soo noqday dalka ay labada dhinacba ku dhaqaaqeen sidii loo fulin lahaa heshiiska ay soo wada gaadheen labada maxweyne, waxaana markiiba xayiraaddii saarnay laga qaaday xuduudda ay wadaagaan Somaliland iyo Djibouti. Dad badan oo indha indhadheeya siyaasadda Somaliland ayaa madaxweynaha ku dhaliilay sida degdegsiiyaha leh ee isaga oo martiqaad ka haysta dalka Ethiopia uu ka horumariyey socdaalkaas uu ugu amba-baxay Djibouti, kaasi oo ay ku macneeyeen in aanay raali ka noqon doonin maamulayaasha Ethiopia oo ay Djibouti isku khilaafsanaayeen arrimaha Soomaalida.

Dhanka kale waxa uu maxaweyne Rayaale markaa ka dib isaga oo ka jawaabaya martiqaadkii uu hore uga helay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi uu socdaal ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee magaalo madaxda Dalka kale ee aynu jaarka nahay ee Ethiopia, halkaas oo aad loogu soo dhaweeyey. Waxaana intii halkaas joogey kulamo kala duwan kula soo yeeshay madax doora oo ka tirsan dawladda Ethiopia oo uu ku jiro Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi, waxaan ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku lug leh xidhiidhka qotada dheer ee aynu la leenahay dawlada Ethoipia isaga oo Ra’iisal wasaaraha Zenawi u sheegay sida uu ugu farxay isbedelka Distooriga ah ee xukunka loogu dhaariyey markii uu geeriyooday madaxweynihii ka horreeyey.

Waxa kale oo uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu dabadyaaqadii sannadkii hore marti qaad ka helay madaxeynaha dalka Senegal madaxweyne Cabdalle Wade oo ku martiqaaday in uu socdaal ku yimaaddo Magaalada Dakar ee caasimadda Senegal. Martiqaadkaas oo ku aqbalay madaxweynuhu, waxaana socdaal ay ugu sii gogol-xaadhayaan safarka madaxweynaha ku tagey dalkaas wefti wasiirro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii hore ee waxbarashada Mud. Axmed Yuusuf Ducaale, wasiirka arrimaha Qoyska iyo horumarinta bulshada Merwo Edna Aadan Ismaaciil iyo wasiirka arrimaha dibada Mud. Maxamed Siciid Gees.

Markaa ka dib, waxa uu madaxweyne Rayaale socdaal socdaal ugu kicitimay galbeedka qaaradan Afrika, isagoo lugtii ugu horaysay ee safarkiisa ku tagey dalka Senegal oo martigaadkii uu ka helay ayidayay. Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisu intii ay joogeen Dakar la kulmeen madaaxweyne Cabdalle Wade iyo madax badan oo dalkaas ah, waxaana ay ka wada hadleen arrimo doora oo la xidhidha qadiyada Somaliland, xidhidhka cusub ee labada dal iyo guud ahaan arrimha Soomaalida iyo geeska Afrikaba.

Madaxweynaha iyo weftigiisu tiraba saddex jeer ayay la kulmeen madaxweyne Wade.

Markaa uu madaxweynuhu ka soo ambabaxay Senegal waxa uu lugtii labaad ee safarkiisa ku soo maray dalka Mali oo isna ku yaal galbeedka Afrika, waxaana intii ay halkaa joogeen wada hadalo la soo yeesheen madaxda sar sare oo dalkaas ah, waxaanay u soo bandhigeen qadiyadda Somaliland oo runtii in badan ka daahnayd dalalkaas ay booqashada ku marayeen.

Ugu danbayntiina waxa ay madaxweynaha iyo weftigiisu socdaalkoodii ku soo mareen dalka Ethiopia oo markii horena safarkooda ka sii anba qaadeen.

Arrimaha Gudaha:

Talaabadii ugu horaysay ee ay xukuumadii cusbayd ee madaxweyne Rayaale ku dhaqaaqay dhinaca arrimaha gudaha iyo toosinta iyo dhamaystirka maamulka dalku waxa ay ahayd isaga oo badhtamihii bishii May ee 2002kii soo magacaabay mas’uulkii qaban lahaa jagada madaxweyne ku xigeenka Somaliland, maadaama uu isagu sidii uu Datuurku dhigayay uu buuxiyay jagadii uu ka baxay marxuumkii geeriyooday, waxaana uu jagada M/ ku xigeenka u magacaabay Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah xubin ka mid ahaa golaha wakiiladda Somaliland, kana soo jeeda gobolka Saaxil.
Waxaana ay labada gole ee baarlamaanku (Guurtida iyo Wakiiladdu) ku ansixiyeen fadhi wada jira oo ay yeesheen.

Talaabadii taa xigtey waxa ay ahayd isaga oo madaxweynuhu is bedel ku sameeyey dhinaca garsoorka iyo caddaadladda oo ay dadku dhaliilo badan uga soo jeedin jireen maamulkii hore in aanu waxba ka qaban dhinaca garsoorka iyo caddaaladda, waxaana uu magacaabay ilaa kontameeyo isugu jira guddoomiyayaal, garsoorayaal iyo kaaliyayaal maxkamadeed, isaga oo xilkii ka qaaday badi mas’uuliyiintii xilalkaas hore u hayay. Waxa kale oo uu u xilsaaray madaxweyne ku xigeenka cusubi in uu kormeer iyo qiimayn ku soo sameeyo dhamaan laamaha dawlada iyo wax-qabadkooda, talaabadaasi oo dadku ay u soo dhaweeyeen.

Dhanka kale wax ay wefti culus oo isugu jira Guurti odayaal iyo wax-garad kale oo caan ahaan ayaa u amba baxay Gobolka Sool ee bariga Somaliland, waxaana isla markii ay gaadheen degaankaasi ay la kulmeen shaqaaqo fool xun oo halkaas ka dhacday waxaana ay ahayd iyada oo la dilay nin caaqila oo caan ahaa. Waxa ay isla markiiba guda galeen xallinta arrintaasi, taasi oo ay in muddo ah ku mashquulsanaayeen soo af-jariddeeda, aakhirkiina ay ku guuleysteen.

Markaa ka dib waxa ay iyana guda galeen hawlihii kale ee halkaa u tageen oo ay ugu muhiiimsanayd xalinta tabashada beesha reer Sool ay ka tabanayso Dawladda iyo Somaliland inteeda kale iyo sidi ay isula jeex jeexi lahaayeen guud ahaan waayaha Gobolka iyo wixii ay tahay in laga qabto si maamulka dalku u wada gaadho dhamaan Gobolada dalka. Arrintaas oo ay muddo Afar bilooda odayaashaasi u fadhiyeen gobolka Sool, waxa ay markii ay ku soo noqdeen Hargeysa ay sheegeen in ay ku soo guulaysteen arrimihii ay halkaas u tageen, ayna ku balansan yihiin in iyana markooda ay odayaasha reer Sool yimaadaan Hargeysa, si wixii dhiman loo sii dhamays tiro.

Dhanka kale waxa isna dhamaadkii sannadkii hore isna socdaal kedisa ah ku tagey Gobolka Sool madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin iyo weti uu hogaaminayo oo ka kooban wasiirro, xildhibaano labada gole ah iyo madax kale oo dawladda ah. Isla markii ay weftigaasi gaadheen magaalo madaxda Gobolkaas ee Laascaanood ayay abaaro 2:00 Duhurnimo ayay maleeshiyo ka soo duushay Puntland ay weerar ku soo qaadeen madaxweynaha iyo weftigiisii.Markiiba waxa iska cabin xooga ku muquuniyay dableydii soo duushay ciidamadii gaarka ahaa ilaalada madaxtooyada.

Markaa ka dib madaxweynaha iyo weftigiisii waxa ay ka soo baxeen magaalada Laascaanood, waxaanay habenimadii u hoyden degmada Caynabo ee Gobolkaas. Waxaana uu madaxweynuhu socdaal ku soo kala bixiyay Goboladaka kale ee bari ee Sanaag iyo Togdheer, iyada oo aad looga soo dhaweeyey goboladaa kale ee uu booqday.

Markii uu madaxweynuhu ku soo noqday Hargeysa waxa uu amar degdega ku soo rogay degmooyinka Laascaanod, Xudun iyo Taleex ee Gobolka sool, waxaana uu labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ka codsaday in ay ansixiyaan amarkaasi degdega ah kaasi oo ay iyaguna ku ansixiyeen fadhi wada jira oo ay yeesheen.

Talaabo taariikhiya ayay ahayd markii ay 15kii Dec, 2002dii dadweynaha Somaliland u dareeray doorashooyinkii Golayaasha deegaanka ee Dawladaha hoose waxaxaana ku loolamay lix (6) urur siyaasadeed oo kala ahaa ASAD, HORMOOD, KULMIYE, SAHAN, UCID iyo UDUB waxaana ay doorashooyinkaasi ku bilowdeen kuna dhamaadeen si nabad gelyo ah oo aan wax dhibaato iyo qulqulatooyin ahina toona ka dhicin.

Waxaana markii danbe ku kuuleystay oo nasiib u yeeshay in ay asxaab qaranb noqdaan 3 xisbi ee KULMIYE, UCID iyo UDUB.

Inkasta oo saddexdii urur ee ku guiuldaraystay in ay axsaab qaran noqdaan ee ASAD, HORMOOD iyo SAHAN ay sheegeen in aanay ku qanacsanayn sida ay doorashadu u dhacday oo ay sheegeen in meelaha qaar lagu shubtay, haddana aakhirkii wax dhib ahi kama imin ee waxa si nabadgelyo ah ugu kala biireen saddexdii urur ee kale ee ku guulaysta in ay noqdaan xisbiyo qaran.

Bilowgii sannadkan ayay ciidamo maleesho ka soo firxaday maamul goboleed Puntland oo dagaal uu ku soo jebiyaya garabkii kale ee ay isku hayeen hogaanka maamul goboleedkaasi firxadkoodii ka soo talaabay xudduuda bari ee bari ee gobolka Sanaag uu la wadaago Puntland, waxaana ay ciidamadaasi fadhiisin ka siisay dawlada Somaliland degmada Ceel Afweyn ee galbeedka Sanaag.

Arrintani oo ay dawladu is diidsiisay in ay wax magan gelyo ah u fidisay waxa ay baqo aad ku abuurtay dadyowga deggan degaankaasi oo ka baqa qabay in uu arrinkoodu noqdo ‘meel laba maroodi ku dirireen, caws ku baaba’, waxaanay in badan ka codsadeen in xukuumaddu war cad ka soo saarto arrinta cidamadaa firxadkan ahaa.

7dii Jan, 2003da ayay guddiga doorashoyinka qaranku ku dhawaaqeen in ay dib u digeen waqtigii hore loogu cayimay doorashada Madaxweynaha iyo M/ ku xigeenka oo ahayd in ay dhacdo 23 Jan, 2003, waxaana ay sheegeen u ay u cayimeen in la qabto 27 March, 2003. Golaha guurtida ayaa ku gacan saydhay arrintaasi dib - u dhigista wakhtigii doorashada madaxtooyada, waxaana ay ku doodeen in ay iyagu xaq u leeyihiin muddo-kordhinta xukuumadda ee ay guddiga doorashooyinku talo uun ku leeyihiin. 18kii Jan, 2003da ayaanay golaha guurtidu ku dhawaaqeen in ay kordhiyeen mudadii xil-haynta Madaxweynaha iyo M/ ku xigeenka oo ay ka dhigeen ilaa 15ka May, 2003da, waxana ay go’aamiyeen in la la qabto doorashooyinka madaxtoyada 14ka April, 2003 oo ah bil ka hor mudda ay ku eegtahay wahtiga xukuumaddu sida uu dhigayo sharciga doorashooyinku.

30kii March, 2003da ayaa madaxweyne Rayaale khudbad u jeediyay saddexda gole-qaran, waxaana uu uga xogwaramay guud ahaan waayaha siyaasadeed ee dalku marayo sida; siyaasadda arrimahadibada, arrimaha gudaha, nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm.
Waxa uu madaxweynuhu fadhigaas wada jirka kaga codsaday in ay xayiraadii uu hore ugu soo rogey ka qaadaan degmooyinka Laascaanod, Xudun iyo Taleex ee goolka Sool, iyaguna cod aqlabiyada ayay ku ogolaadeen in xayiraadda laga qaado deegaamadaasi.

Talaabo kale oo taariikhiya ayay ahayd markii 14 April, 2003da ay shacbiweynaha reer Somaliland u dareereen doorashooyinkii madaxweynaha iyo M/ ku xigeenka oo ay ku loolameen saddexda xisbi qaran ee KULMIYE. UCID iyo UDUB, waxaana tartan adagi dhex maray murashixiintii KULMIYE iyo UDUB, Axmed Siilaanyo iyo M/ weyne Rayaale, kaasi oo ilaa hadda ay ku dhawaaqidda natiijadii kama danbaysta ahayd ee tartanku ay ku laalan tahay maxkamadda sare ee qaranka oo loo dhetaagayo in ay ku dhawaaqdo maalmaha foodda inagu soo haya.

Daahir Jaamac Muuse (Daahir-suxufi).

e-mail: daahirsuxufi@yahoo.com

Top


Haweenka Awdal Iyo Dareenkooda Doorashada.

Ilaahay ayaan mahad leh inoo suuro galiyey inay nabad gelyo inoogu dhacdo doorashadii ka dhacday dalkan Somaliland, haddii aan nahay haween ka tirsan gobolkan Awdal waxaan doorweyn ka qaadanay doorashooyinkii ka dhacay dalka anagoo u hurnay wakhtigayaga qaaliga ahaa, ujeedadayaduna ahayd inaan ku taageerno dalka doorashooyinka Dimuqraadiga ahi ay ka dhacayaan, ka dib shacbiga reer Somaliland in xisbiga ku guulaysta loogu dhawaaqo wakhtigii loo cayimay ayadoon muran ka taagnayn, nasiib darrose waxay noqotay inaanay dhicin waayo?,

Sababaha ay u sameeyeen komishanku oo ahaa kuwo iska horimanaya iyaga oo yidhi maalintii hore markii la weydiiyey roobab ayaa na cadilay maalintii dambena yidhi xisbiga UDUB ayaa cabasho keenay taasina ay noqotay dareenkii ugu horeeyey ee gala shacabka Somaliland, maalintii sabtidii bisha April ahayd 19-ka in Idaacadda BBC-du sheegtay in loogu dhawaaqay inay guushii raacday xisbiga UDUB, intaa ka dibna xisbiga KULMIYE cadeeyey inanu ku qanacsanayn natiijadda isaga soo hordhigay shaxdii codadka cadaymana keenay, xisbiga KULMIYE, iyaga oo noqday kuwo uu ku cadaynayo inuu xisbigiisu ku horeeyo tiro dhan 76-cod, taasi oo uu cadeeyey gudoomiyaha guddiga doorashooyinka inuu yahay aadami qaldami kara, waxaan filaynay cabashadaa in loo qanciyo xisbiga KULMIYE si cilmiyeysan ama in la siiyo haddii ay xaq leeyihiin, jawaabtii komishanku intaa ka dib ay noqotay mid la yaab leh oo uu yidhi gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka C/laahi Jawaan sax ama qalad ha ahaatee waxan ku adkaysanaynaa go’aankii ay hore ee uu gaadhay komishanku, haddaba tiyoo ay u madax banaan yihiin guddida doorashooyinku go’aankooda miyaan xaq loogu lahayn in si cadaaladi ku jirto uga qanciyaan cidii wax tabanaysa?. Komishanka waxaan ku eedaynaynaa inaanay uga soo bixin hawshoodii si cadaalad ah, waxa kale oo aan aad ula yaabanahay inay labada gole ee Guurtida iyo baarlamaanku u soo galeen hawshan ayaa marka hore ku turjuman UDUB darteed, maxayse ka yeelayaan markii Xisbiga KULMIYE cabasho cad la yimid?

Ma waxay ujeedadoodu ahayd UDUB wax u soo dhiciya?

Ma xisbiga UDUB iyo cabashadiisa ayuu waajib ka saaranyahay mise xisbiyadoo dhan? Maxaa looga waayeywax jawaab oo ay ku qanciyaan xisbiga KULMIYE?

Waxaan kula talinaynaa sidaa ay u soo galeen hawsha inayna indhaha ka laaban xaaladan ka taagan xisbiyada.

Waxan ku gebagabaynayaa baraarujin u socota cida ay hortaalo xukunka kama dambaynta ahi oo ah gudoomiyaha maxkamadda sare iyo garsoorayaasha, waxaanan leeyahay dalkan waxaan ka sugaynaa aayatiin, horumar, iyo Ictiraaf buuxa inuu helo, gudoomiyaw waxa ku horyaal nabadii iyo masiirkii Somaliland u soo wada jeedaan hadalka ka soo yeedhi doona Maxkamadda aad madaxda ka tahay, haddaba waxaad ku dhaarsantahay kitaabka qur’aanka ee kariimka ah haddaba waa in xukunkaaga noqdo mid cadaalad iyo garsoor ku shaqeeya, kuna xukuma xaq dalka iyo dadkaba.

Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Intaanad falin ka fiirso”, haddaba cabashooyinka hortaada yaal ee ah xisbiyadda muranka foosha xun lihi ka joogo si fudud ha u xukumin.

Waxaan aad kaaga rajaynayaa si aad noqoto caadil dadka u hogaanka xaqa iyo cadaaladda.

Aragtiyaha kale ee noo muuqda waxa ay yihiin si dad gaar ahi oo dana gaar ah ku fushanayni ay leeyihiin masuuliyiinta xisbiga KULMIYE naa dagaal oogayaal kuma aamini mayno talada dalka” haddii ay sidaa tahay maxaan shuruucdii hore ee musharaxnimo loogu reebi waayey si aanay xaaladan maanta dalka ka aloosani u iman.

Aamina Cabdi C/laahi, Boorama.

Top


Odayaashu Ma Waxay Noqdeen Gantaalihii Kuuriyada Waqooyi?

Aniga oo ah ninka magaciisu hoos ku xusan yahay, waxaan jecelahay in aan ka hadlo ama aan faalo gaaban ka bixiyo xaaladda cakiran ee ka taagan dalkan Somaliland, taas oo u dhaxaysa labada urur ee la kala yidhaahdo UDUB iyo KULMIYE oo uu ka dhexeeyo ismaan-dhaaf iyo dacaayado laxaadle oo ku soo baxaya jaraa’idka Madaxa bannaan.

Haddaba, waxaana jecelahay in aan maahmaah yar ka horeysiiyo inta aanan guda-gelin dulucda hadalkayga. Maahmaahdaas oo ah: waxa la yidhi, nin baa beri xaday laba go’, markaasaa la qabtay ninkii tuuga ahaa ee xaday go’yaasha, dabadeed waxaa la weydiiyay ninkii meesha uu geeyay go’yaashii ninkii wuxuu ku jawaabay go’yaasha ma mid mise mid, mid ma arag, ka kalena ma arag.

Sidaa awgeed, waxaan la yaabanahay waxa ay guddida komishanku ku tidhi natiijada ma mid mise mid, ta hore waa sax, ta dambana waa sax.

Haddaba anigu odhan maayo guddidu laaluush bay qaadatay oo taasi waa aflagaado, hase ahaatee maxay ahaayeen odayaashii la dhaqdhaqaajiyay sidii gantaalihii Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo maraykanku odhan jiray waa la dhaqdhaqaajiyay.

Abwaan Cali Ismaaciil Carab (Cali Duulduul), Hargeysa

Top


Jilbo-Dhiig, qiso jacayl ah, waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed (Xasan), waxaa tifaftiray A. Ducaale : 37aad.

Biixi iyo Xayaad waxay cabaar hoos-taagnaayeen geed cufan oo ka jirsadeen roobka, waxaase sii xoogeystay roobkii, taasina waxay keentay inuu geedkii xejin-karin waayo dhibicda xoogga lahayd ee roobka, dabadeed-na maryihii oogadooda saar-naa ayaa ka qoyey Biixi iyo Xayaad, laakiin waxaas oo dhan ma oga oo iyagaa isku maqan, waxaana u socota sheeko xiisa leh, waxaana ka mid aha hadaladii ay is-dhaafsadeen.

Biixi “Maanta oo dhan maskaxda ayaan kugu hayey, waxaana lahaa talow gabadhii Xayaad dheeraa meesha ay jirtaa, ta kale inkasta oo aanay xusuustaadu mar keliya iga bixin, hadana maanta saayid bay ahayd, balse marna isma-lahayn meel ayey joogtaa, sidaa darteed aragtidan aynu is-aragnay waxay noqonaysaa mucjisooyinka iyo lama aragta la sheego, kow walaal Xayaad ii waran, xaggee baad ka soo dhacday, maxaa meesha ku keenay, xagee baadse ku socotay. nin baa laga hayaa labo kasta isa saarayoo, weli laba tagoogo ismaan saarrin, imikana wax kasta ku hamiyeyoo weligay kumaan fekerin gabadhii Xayaad ee aad Yurub iyo caro Ingiriis ku ogayd baa maanta caydan cidlada ah kaaga soo baxaysa. Markaa walaal Xayaad warka I sii, maxaa kugu soo kordhay, maxaase hawdkan cidlada ah ee aanad weligaa arag kaa soo galay, warka i sii.

Xayaad: Walaal waa runtaa oo kulankeenu maanta wuxuu ka mid noqon karaa mucjisooyinka iyo munaasibadaha lama filaanka ah ee dunida ka dhaca, waayo aniguba weligay habeen qudha kuma seexan, kumana soo toosin, hawdka ayaad dhex-lugaynasaa iyo Biixi baad kayn cidla ah iska helaysaan, laakiin horaa loo yidhi adduunada nin noolaw maxaa aragti kuu laabban, markaa iska dhaaf aragtideenna maantu waxay gelaysaa boggaga taariikhda’e bal ii waran adigu maxaad waday oo meesha ku keenay, xagee baadse u socotay.

Biixi: Walaal meesha aan ka imid iyo sababta maanta halkan I marinaysaa wax aan si hawl yar, sheekayn karo maaha, waadna yaabaysaa haddii aan kaaga sheekeeyo, waxaanse jeclaan lahaa bal inaad adigu horta ii sheegto meesha aad u socoto, iyo muraadka meesha ku marinaya.
Xayaad: Walaal Biixiyow war nabad ah lagu sii, marka hore muraadka iyo ujeedada halkan I marinaysaa wax kale maahee waa adiga dartaa, oo adiga ayaan ku doonayaa, imikana waxan ku socday reerkiina iyo miyiga uu deganyahay, waayo Hargeysa ayaa la iiga soo sheegay inaad reerka miyiga la joogto, markaa war kale ha ii dambeeyee, sababta ayaa maanta meesha I marinaysa.

Biixi: Waan gartay laakiin goormaad London ka timid.

Xayaad: Hadda laba todobaad ayaan ka sokeeyey, waxaana ka soo bixitimay arbacadaa maanta aynu joogno tii ku saddex ahayd.

Halkaa markii ay sheekadii maraysay ayaa roobkii qaaday, oo ay dadkii rakaabka ahaa geedaha hoostooda ka soo baxeen loona soo dareeray dhinicii baabuurka si dhoobada looga saaro, laakiin Biixi iyo Xayaad markii ay geedka ka baxeen uma dhaqaaqin dhinicii baabuurka ee waxay u baxeen qoor cidlo ah, halkaas oo ay sheekadoodii ku sii wateen, balse dadkii kale ee rakaabka ahaa ayaa isweydiiyey waxa ka dhaxeeya labadan qof, waxayna yidhaahdeen “Gabadhan reer magaalka ah ee Ingiriiska ka timid iyo wiilkan reer miyiga ah ee kaynta inagaga soo baxay, maxaa ka dhaxeeya, aad bay iskugu mashquuleene”.

Biixi Iyo Xayaad meel qoor ah oo waxoogaa u jirta goobta baabuurka laga qodayo ayey kadaloobaan xaaladooduna waa “Col iyo abaar-ba ka dhega la’” oo iyagaa isku mashquulsan, oo mid-ba midka kale ayuu ku dheygagsanyahay, oo uu afkiisa, aad bay isu xiisaynayaan, weedhaha ay isku celinayaana mid-ba midka kale waxa uu u quudanayaa sida caano dhay ah, sidoo kale ereyadooda mid-ba midka kale uga udgoon carafka hibaaq iyo saxansaxada roobka, sidoo kale aragoodu mid-ba midka kale wuxuu ugu widh-widhayaa sida sayaxa arooryaad, waxayna aragtidoodu midba mid kale wuxuu ugu bildhaamayaa sida roob ladhac ah, midba mid kale uga muuq dheer waaga oo dilaacay, uga dhalaal badan dayax shan iyo tobnaad ah.

Sidaa awgeed maalmo, todobaadyo iyo xataa bilo kuma kala xiiso goyn karaan, Biixi Iyo Xayaad, laakiin baabuurkii linka laga saar, ka dibna hoonka ayaa la garaacay, dabadeedna Biixi iyo Xayaad iyaga oo karaahiyeysanaya yeedhida loo yeedhay ayey soo kaceen oo ay baabuurkii fuuleen.

Hase yeeshee markii uu baabuurkii masaafo ilaa hal kilo mitit ah socday ayuu haddana dhiidhi galay, oo uu limaday, isla markaana waxa markale soo daatay roob ma hiigaan ah oo aad u dhibic kulul gabalkiina waa soo gaabtay.

La Soco.

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida, waxa qoray Cabdi Caara-dhuub, q : 38ad.

Rag doo rah aya ka yaabay saluuga xiliyadan dambe ka muuqda xikmaddii dhaqanka iyo karaamadii ay sharaftu lahayd iyo weliba sida manfacii doonistiisa laga xishoon jiray laga hormariyey magacii, taas oo ay da’da xiliyadan dambe joogtaa sharaftii ka hormariyeen soor, laakiin gabayada garaha laga tiriyey waxa ka mid ah, gabyaaga caanka ah ee la odhan jiray Yawle ayaa arrintan ka gabyey, wuxuuna yidhi “Sergadda iyo tooreydu waa salaw colaadeed, sokeeyaha is-dilay waa wixii suudha kululeeye, wixii Sugule Caynaashe dilay Saar inoo qabaye”.

Maxamed Nuur Fadal ayaa isna gabay uu tiriyey wuxuu ku yidhi “Wixii Daarufleey dhacay hadday doodi ka cusbaato, dersin baw u markhaatiya ninkii bixiya diinaare, magac nimaan dan ka lahayn wuxuu cunana doonaaya oo darifta gaaliyo mamay hilib dubaaxeedka, dunidana aan ka yaabayn ayaa laysu soo diraye”.

Gabaygii Salaan Carabay ayaa isna tan ka gabyey, wuxuuna yidhi “Xeer-beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye, xikaaye iyo baaneba aanaan xaf I seegayne, afkuna wuxuu la xoog yahay magliga wada ka jara’e, xafiiskii magaalada ninkaan xaallan uga saaray.”

Kayse Xuseen Qasaali oo isna arrimaha garta ka gabyey ayaa yidhi “muduc iyo madaacalay gar aan marag-ba loo yeelin, marka muran xalaal yahay, ado maraya dhaar been ah, macsi iyo dembaab aan la qarin muhindiskaa sheegi”.

Kayse Qaasaali markale ayuu ka gabyey arrimaha garta la xidhiidha, wuxuuna yidhi “Ragna kii wax loo dhimay, laga dhaalin-waayaa, dhafoor taabashiyo ciil, had-ba hadalka dhiifta leh, dhimashuu ka doortaa, dhan-gawrac wow halis, dhahar yidhi Allaa yidhi iyaduba dhab ma ahayn”.

Kayse Qaasaali gabayo badan ayuu ka tiriye garaha iyo arrimaha la xidhiidha sidaa awgeed oo uu tiriyey gabay kale wuxuu yidhi "Labadooda daw mid aan lahayn, daacad iyo khaayin, isku dile damaaciga rag dac ku taalaaye, doqon millantay, geesiga damcay, duug dambiyo xaasil, waxa dab iyo baatrool ka dhigay boqolka diimoode”.

La Soco.

Top