Maxkamadda Sare oo dhegaysatay Doodihii Labada Xisbi u Soo Jeediyeen Gudida
Doorashooyinka. Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Ay Dalbatay Beddel
Wakiilka Itoobiya U Fadhiya Somaliland.
Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Markabka La Bililiqaystay.
Gari Laba Dhinac Kama Wada Qoslise Aynu Si Degenaasho Leh U
Dhawrno Go’aanka Maxkamadda.
Taliye ku xigeenka Booliska Gebiley oo Jawaabo ka Bixiyey
Eedaymo ay u soo jeediyeen Odayaal Xisbiga KULMIYE ka Tirsan.
Iftiinka Islaamka: Siiradii Rasuulka.
Odhaahda Akhristaha: Riyo Hadii ay Dub Leeyihiin Dabadooda
Ayey Ku Qarin Lahaayeen.
Doorashadii Somaliland, Dooda Xisbiyada, Iyo Dawladaynu
Haybinayno.
Gari Udubna Ma Taqaan, Kulmiyana Ma Taqaan.
Awr Xamalkii Waa Qaadaa Se Xadhig Qaloocan Ma Qaado.
DHALASHO FARXAD LEH.
Hambalyo Aroos.
Hambalyo Meher.
Waadiga Ciyaaraha: Maxaa Kala Qabsaday Kooxaha Mataanaha
Milan?
|
|
Maxkamadda
Sare oo dhegaysatay Doodihii Labada Xisbi u Soo Jeediyeen Gudida
Doorashooyinka. |
Maxkamadda Sare oo dhegaysatay
Doodihii Labada Xisbi u Soo Jeediyeen Gudida Doorashooyinka.
Hargeysa (Haatuf): Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maalintii shalay
dhageysatay dacwadii ay soo gudbisteen labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE ee
dhanka ka ahayd natiijadii ku-meelgaadhka ahayd ee ay guddiga
doorashooyinku ka soo saareen doorashooyinkii Madaxtinimada ee dalka ka
dhacay 14kii April.
Dacwadan oo ay mudici ka ahaayeen labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE
mudaacalayguna ay ka ahayd guddiga doorashooyinku, waxa doodda dacwadda
labada xisbi halkaa ka jeediyay afar Qareen oo laba-ba xisbi ka socdeen,
una doodayeen, iyadoo uu doodda xisbiyada difaacayay Qareen u doodayay
guddiga doorashooyinka Qaranku, waxaana dhagaysiga doodda labada dhinac
dhagaysanayay 7-da Xaakim ee ay ka kooban tahay Maxkamadda Sare, kuwaas oo
uu horkacayay gudoomiyaha Maxkamadda Sare Siciid Axmed Faarax, wakiilo ka
kala socday axsaabta siyaasadda iyo marti-sharaf kale oo badan.
Sidoo kale, waxa jawiga doodda ka socotay sheeda kala socday dadweyne aad
u farabadan oo dhoobnaa duuleedka Maxkamadda Sare, kuwaas oo ay hor
joogsadeen ciidamo farabadan oo la dhigay hareeraha Maxkamadda
subaxnimadii hore ee shalay, si loo sugo ammaanka xarunta Maxkamadda Sare
ee loo yaqaan Goodirka oo ay dacwaddu ka socotay dhagaysiga dacwaddan oo
ahayd mid si aad ah loo sugayay, waa wajiyada dadka ka muuqatay xiisaha ay
u hayaan maqalka doodda labada xisbi, iyadoo ay dhinaca kalena ka muuqatay
wajiyada wakiillada xisbiyada jawi rajo iyo cabsi isugu jira, iyada oo
aanay hubin dhanka ay guul-daradu ku raaci doonto dacwaddan.
Markii ay bilaabantay dhagaysiga dacwaddu, waxa doodda hadalka ku horeeyay
Qareenada u doodayay xisbiga UDUB ee Maxamed Jaamac Cabdi iyo Barkhad
Jaamac Aare, waxaanay doodooda sal uga dhigeen arrimo ay ka mid yihiin
sanaaduuq aan loo tirin, kuwo laga raray halkii lagaga codeeyay iyo
tirooyin ay sheegteen in ay ka maqn yihiin oo raacsan tirada codadka
KULMIYE, waxaase eedahaa ka jawaabay Qareenka u doodayay guddiga
doorashooyinka, Khadar Maxamed Guuleed, isaga oo sababeeyay mid waliba
sida ay ku timid, isaga oo isla markaana deedafeeyay wixii eedo aanay
qabin, kadibna waxa doodooda dhiibtay Qareenada u doodayay KULMIYE ee C/raxmaan
Ibraahim Caalin iyo Yuusuf Ismaaciil Cali, iyaguna waxay doodooda sal uga
dhigay sanaaduuq aan loo tirin, kuwo si khalad ah loo tiriyay iyo codad ka
maqan oo raacsan UDUB, balse sidoo kale waxa doodda Qareenada KULMIYE
difaacay Qareenka Guddiga Doorashooyinka oo faahfaahiyay sida ay
arrimahaasi ku yimaadeen ama aanay waxba uga jirin.
Ugu dambayna, labada dhinacba waxay ka codsadeen Maxkamadda Sare in ay aad
u eegto dacwadooda iyo in ay tixgelin siiso dacwadda ay soo gudbisteen.
Geba-gebadiina Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa xidhay fadhigii
dhagaysiga dacwadda, waxaana sheegay in ay go’aanka dacwadda u soo
saarayaan sida ugu dhakhsaha badan, haatana waxa la dhawrayaa go’aanka ka
soo baxa Maxkamadda Sare oo iyadu sharci ahaan leh awoodda ugu dambeysa ee
soo saarista natiijada kama-dambaysta ah.
Tan iyo markii ay guddiga doorashooyinku soo saareen natiijadii ku
meel-gaadhka ahayd ee ay guddiga doorashooyinku soo saareen 19kii April,
waxa soo baxayay doodo iyo dacwado laga qabo natiijadaasi oo xisbiga UDUB
la sheegay inuu kaga guulaystay KULMIYE 80 cod, balse waa arrintaa si weyn
u diiday xisbiga KULMIYE oo ku andacoodayin aanay xaq ahayn natiijada ay
soo saareen guddiga doorashooyinku, taas oo keentay in ay guddigu jawaabo
ka bixiyaan dacwadda labada xisbi ay soo qadinteen, waxaanay ku adkaysteen
in ay marwalba ku dhaqmayeen xeerka doorashooyinka, balse Maxkamadda ayey
ka codsadeen in ay ka qaadato tallaabada kaga aadan arrintan.
Top
Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Ay Dalbatay Beddel Wakiilka
Itoobiya U Fadhiya Somaliland. |
Hargeysa (Haatuf): Xukuumadda Somaliland, ayaa
beenisay in ay codsatay bedelka Wakiilka Dawladda Itoobiya u fadhiya
Somaliland.
War-saxaafadeed uu shalay ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda, Cabdi
Idiris Ducaale, waxa uu daba socday war ku soo baxay shalay Wargeyska Afka
Carabiga ku soo baxa ee Al-Haatuf Al-Carabi, kaas oo sheegayay in ay
xukuumadda Somaliland ka dalbatay dawladda Itoobiya in ay bedesho
wakiilkeeda ganacsi ee u fadhiya dalka Somaliland ee xafiiskiisu yahay
magaalada Hargeysa, Mudane Abdete, kadib markii ay ku eedaysay inuu
taageero xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, uuna soo farageliyay arrimaha
gudaha ee Somaliland, isagoo wargeysku soo xiganayay ilo lagu kalsoon
yahay.
Balse War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada, waxa uu ku tilmaamay
mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo meel ka-dhac ku ah nidaamka
warbaahinta, isaga oo intaa ku daray in Madaxweyne Rayaale qaabiley
Wakiilka Itoobiya, iyagoo ka wada-hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada
dal, isla markaana aanay jirin wax xurguf ah oo soo dhex gashay xidhiidhka
labada dal.
Sida uu tibaaxay warka ku soo baxay Al-Haatif Al-Carabi in ay arrintani
abuurtay xurguf dhinaca diblomaasiyadda ah oo dhex timid labada dal,
iyadoo ay dawladda Itoobiya ka dalbatay Wakiilkeeda inuu dalbado tafsiir
laga siiyo arrintan, balse umay suurto-gelin isku-daygiisii ku waajahnaa
arrintaa.
War-saxaafadeedka ay xukuumaddu arrintaa ku beenisay, wuxuu u qornaa sidan:
“Ma jirto ashkato iyo codsi beddel oo xukuumadda Somaliland ay ka geysay
Wakiilka Itoobiya u jooga Hargeysa, siday qortay Wargeyska Haatuf ee afka
Carabiga ku soo baxay maanta oo ay bishu tahay 08/5/03. Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu qaabilay wakiilka Mudane Abdete dorraad,
waxaanay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha danaha labada wadan iyo sii
xoojinta xidhiidhkooda sidii awalba ay ahayd, mana jiraan wax xurguf iyo
xumaan ah oo jirtaa.
Sidaas awgeed, warkani aan jirin ee ay qortay Wargeysku, waxa uu u muuqdaa
inuu la xidhiidho ololihii ay caadaysteen beryahanba Wargeysyadeenu ee
wararka kutidhi ku teenka ah, iyagoon tixgelin hab-dhaqanka saxaafadeed
iyo ka wadaniyeed ee ku waajibinaya xaq-dhawrka xidhiidhka wanaagsan ee
Wadamada deriska ah.
Sidaas awgeed, waxaanu ka codsanaynaa wargeysyada madaxa bannaani in ay ka
digtoonaadaan wixii waxyeelaynaya sumcadda Somaliland iyo xidhiidhka
wadamada jiiraanka ah.” Top
Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Markabka La Bililiqaystay. |
Hargeysa (Haatuf) Markabkii ku soo caaryey
xeebaha galbeedka woqooyiga Hargeysa ee Lughaya dabayaaqadii sanadkii hore
ee October ayaa lagu kala iibsaday lacag gaadheysa (2,000,000) laba Milyan
oo Dollar, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya xeebta woqooyiga Hargeysa
ee Lughaya waxa markabka iibiyey koox ka tirsan xukuumadda Somaliland oo
uu horkacayo wasiirka Kaluumaysiga Axmed Xuseen Oomane iyo koox kale oo
ganacsato ah, kuwaasoo iyaguna ka yimid dhinaca magaalada Berbera oo watay
markab la yidhaahdo MV Maryam oo ka mid ah maraakiibta isaga goosha dalka
Imaaraatka iyo Dekadda Berbera ee Somaliland. Iyada oo ay halkaa yimaadeen
laba Taag oo kuwa maraakiibta jiida ah iyo markab kale oo nimanka
ganacsatada ahi ay wateen ee laga iibiyey markabka iyo xadiidkii saarnaa,
ka soo dhaqaaqay dekeda magaalada Dubia ee dalka Imaaraatka Carabta,
markabkaa oo maalmahanba ay socdeen dhaq-dhaqaaqyadiisa waxa saarnaa
(7000) todoba kun oo tan oo xadiid ah oo lagu kala fasaxay (600,000$) lix
boqol oo kun oo Dollarka maraykanka ah, waxana markabkaas iskiraab ahaan
loogu iibiyey nimankaas ajaanibka ah waxaana laga siiyey lacag dhan
(1,400,000) milyan iyo afar boqol oo kun.
Kooxdan ganacsatada ah ee ka ganacsatada iskeraabka ayaa la sheegay inay
hore dalka u yimaadeen laba nin oo ay soo dirteen, kuwaasoo ay qaar ka mid
ah wakiiladda maraakiibta ee Berbera ay u soo kexeeyeen dhinaca magaalada
Hargeysa, waxayna sida la sheegay labada nin la kulmeen maamulka sare ee
Somaliland oo uu dhexmaray heshiis qarsoodi ah oo lagu kala fasaxay
mrkabkaa iyo wixii saarnaa ee xadiid ah, waxana heshiiskaa labada dhinac
dhex-dhexaadinayey wakiiladii gadh-wadeenada ahaa ee ka soo raacay dhinaca
magaalada Berbera, waxayna labada nin ka hor intii aanay la gelin
heshiiska xukuumadda Somaliland soo eegeen markabka yaala xeebta Lughaya
ee ay hawshiisa u socdeen, laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inay
hakad gashay dhawr maalmood hawshii daad-gureynta xadiidka ee lagu
wareejinayey maraakiibta kale, ka dib markii ay magaalada Lughaya gaadheen
niman kale oo ajaanib ah oo sheeganaya inay ka soo jeedaan shirkadii
lahayd alaabta xamuulka ah ee markabka saarnayd, kuwaasoo sida ay wararku
sheegayaan dacwad la xidhiidha alaabtii xamuulka ahayd ee saarnayd
markabka uga socotay maxkamadda sare ee Somaliland, laakiin waxa ay
wararku sheegayaan in markii dambe hawshii dib loo bilaabay iyada oo
markabka marka laga wareejiyo xamuulka saaran labada Taag ee halkaa ugu
diyaarka ahi, ay u jiidi doonaan dhinaca dekadda Dubai.
Markabkan oo tankiisu yahay 6544 mitir tan magaciisuna ahaa MV Naadi, waxa
lahady shirkad magaceedu yahay Naadi, wuxuuna ka soo kicitimay 30-kii
ogosto 2002 kinaalka Suweys, isaga oo markii hore ka soo shiraacday dekeda
Novorossifk ee taal dalka Ruush-ka, halkaas oo uu ka soo qaaday alaabta
xamuulka ahayd ee saarnayd, wuxuuna u sii jeeday dhinaca dalka Shiinaha,
laakiin 12-kii September 2002, ayey ku timid cilad dhinaca mishiinka ahi,
wuxuuna markabkii wakhtigaa marayey marinka biyaha badda cas ee duleedka
galbeed ee magaalada Cadan, wuxuuna la xidhiidhay dekada magaalada Cadan
si loogu soo gurmado, laakiin waxa loo sheegay in Taagii loo soo diri
lahaa uu ku maqanyahay Salaala (Cumaan) oo dayactir loogu samaynayo,
taasina waxay keentay in markabkaasi ka soo caaryo xeebta Lughaya ee
dhinaca woqooyi galbeed ee magaalada Hargeysa.
Kabtanka markabkaas oo magaciisa la yidhaahdo Marwaan Cabdoh ayaa sheegay
inay markii ay xeebta soo gaadheen ku soo urureen doonyo yar yari oo ay
dadkii watay soo fuuleen mrkabka iyaga oo rasaas cirka u ridaya, isla
markaana ay kabtanka ka qaateen qadar lacag dollar ah oo jeebkiisa ku
jirtay, markabkan markii uu soo caaryey waxa ay dadka deegaankaasu
xukuumadda u soo direen qaylo dhaan ay kaga cabsi qabeen inuu sido
markabakaasi waxyaabo kimiko ah, laakiin wasiirka Kaluumaysiga Axmed
Xuseen Oomane oo halkaa tagay ayaa sheegay inaan la garanayn markabkaa iyo
cida wadatay, waxayna shaqaalihii markabku tageen dalka Djibouti, halkaas
oo laga dhoofiyey dalalkii ay u dhasheen.
Top
Gari Laba Dhinac Kama Wada Qoslise Aynu Si Degenaasho Leh U Dhawrno
Go’aanka Maxkamadda. |
Gari Laba Dhinac Kama Wada Qoslise Aynu Si
Degenaasho Leh U Dhawro Go’aanka Maxkamadda.
Haddii la tartamo waa hubaal inaan guusha loo sinaanayne dhinacyada
tartamay, mid ka mid ahi hogaanka hananayso. Dhinaca laga badiyey iyo
taageerayaashiina sida dhaqanka ah waxa ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee
hambalyeeya cidda libinta haleeshay, una hanaysa, markaa haddaba aynu
eegno doorashooyinkii is-daba jooga ahaa ee ka dhacay dalkeena,
doorashooyinka xisbiyadda badani, markooda horeba marka la eego taariikhda
doorashooyinka, waa kuwa khataraha badan.
Wadamada la yidhaahdo xagga maamulka ayey hore uga mareen, ayaa ilaa iyo
hadda ku guuldaraystay in ay si hufan u maamulaan doorashooyinka
xisbiyadda badani ay ku tartamaan,. Maanta ay inagga marka loo eego
xaaladda dib u dhis ee aynu ku jiro tan caalamka dawladaha aynu kor ku soo
sheegnay ee horumarka loo tirsho la barbar-dhigo, waxa suura gal ah in ay
innagu qoslaan iyaga oo aan innaga filayn inaan wax guul ah ka soo hoynayn.
Waxase dhab ah maanta caalamka u caddaatay haddaan lays inkirayn in marka
la eego natiijooyinkii doorashooyinkii la qabtay ee xisbiyadu ku
tartamayeen aynu cid kasta oo caalamka ka tirsan kaga horeyno, guuli eebe
ayey u sugantahay, balse waa mid ku timid qorshaha dawladda dedaalka
shacabka.
Guulahan oo kale waa guul taariikhi ah oo lagu xamdi noqo, tan iyo
maalintii aaya ka tashigana maalinba maalinta ka dambaysa, waa guulo isa
soo tarayey oo nacabkuna ka naxayey, waxana laga gudbay jarar badan oo
sakalo iyo saymo-ba lahaa ma nahay kuwo si fudud loogu celin karo jidkii
hadimada?
Marka laga baxo muudhadhka dhalanteedka ah ama ah daaraha barafka ah ee
marka cadceedu ku soo baxdo sida fudud u dhalaala. Waxa qof kasta oo
Somalilander ah hortaall, runtii nolosha duruufaha badan laga dhaxlay.
Waxa kasta si u cadayd marka uu qofku codkiisa bixinayey, in saddexda
xisbi ee maamulka dalka u tartamay uu mid ku guulaysan doono, saddexda
xisbi iyo taageerayaashoodaba oo isku ah guud ahaan shacabkii ay farxad
iyo ray-rayn ku wada balayn doonaan.
Haddaba waxa aan meesha qaban in uu dhaco yooyootan iyo is-waax-waax ka
badan intii sharcigu u ogolaa, xisbiyadda xiliyadda tartanku jiro, iyada
oo aan go’aankii maxkamadii ku shaqada lahayd ee dastuuriga ahayd ku
dhawaaqin, ayna ahayd in laga dhur-sugo, ayaa waxa soo baxaya ifafaalo
ummaddii niyad jab ku abuuraya, ciddi ma duudsiyi karto taariikhdii iyo
halgankii SNM, ciddina ma deedafayn karto wax-qabadkii dawladda, balse
labadaba waxa looga baahanyahay samir iyo dul-qaad.
Ma aha in saxaafadda la isku aflagaadeeyo, ma aha in shacabka loo soo
bandhigo dacaayado la buun-buuniyey, ma aha in shacabka la isu adeegsado,
taasi waxa ay horseedaysaa guul-darooyin ee ma horseedayso guul lagu farxo.
Kolkaa waxan u soo jeedinayaa xisbiyaddu in ay bedelaan qaabka ay isugu
baanayaan oo si hufan oo samir iyo dulba leh u dhawraan go’aanka
maxkamadda sharciga ah, xisbi kastaana si deganaasho leh ugu qanco.
Waa hubaal in tabasho ay imanayso, waase in ay ahaataa tabashadu mid aan
sharciga marnaba ka horimanayn gari laba dhinac kama wada qosliso.
C/risaaq axmed Geedi macalin wax ka dhiga dugsiga sare ee 26 June
Hargeysa.
Top
Taliye ku xigeenka Booliska Gebiley oo Jawaabo ka Bixiyey Eedaymo ay u
soo jeediyeen Odayaal Xisbiga KULMIYE ka Tirsan. |
Gebiley (Haatuf) Taliye ku xigeenka saldhiga
booliska Gebiley, Mr Axmed Cabdi (Axmed Dacawo) ayaa jawaab ka bixiyey
eedaymo ay u soo jeediyeen odayaal xisbiga KULMIYE ka tirsan oo jimcihii
todobaadkii aynu soo dhaafnay martiqaad loo fidiyey ugu tagay magaalada
Gebiley.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Degmada Gebiley Maxamed Xasan
taliye ku xigeenka Booliska degmada ayaa iska difaacay eedaymahaa loo soo
jeediyey, isaga oo Taliye ku xigeenku arrintaa ka jawaabaya wuxuu yidhi
“Waxaanu la kulanay kolanyo baabuur ah oo ay wataan xisbiga KULMIYE oo
Huteelka Xaaji Askar jooga dadkaasi oo safar ku yimid oo ay tiradoodu
gaadhayso ilaa afartan qof oo isugu jira madax dhaqameedyo, siyaasiyiin,
aqoonyahan, ka socday taageerayaasha KULMIYE Bari, sida Oodweyne, Burco,
Bariga Hargeysa oo ay horkacayaan masuuliyiin ka tirsan golaha dhexe ee
xisbiga KULMIYE oo deegaankan u dhashay. Boolis ahaan wakhtigan oo lagu
jiro xili xasaasiya, lana joojiyey dhamaan-ba dhaq-dhaqaaqii axsaabta
siyaasadda iyo kaambaynadoodiiba. Boolis ahaan culayska intaa leeg inay u
socdaan ee aanu ogaanay inay u socdeen arrin xisbi iyo siyaasad. Lana
xidhiidhnay maamulkayagii, iyada oo ay qeexantahay shaqadayadu boolis
ahaan. Maamulka Degmada iyo taliyaha qaybtuna ay fareen in halkooda lagu
ilaaliyo waxaanu fulinay in aanu ilaalino.”
Taliye ku xigeenku wuxuu intaa ku daray in shaqada boolisku tahay ka
hortag dambi dhacaya iyo ka daba tag dambi dhacay, waxaanu dedafeeyey inay
u caga jugleeyeen odayaashaas waxaanu yidhi “ma jirto wax caga juglayn ah
oo aanu u geysanay, iyo aflagaado.”
Waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin cid u socotay oo ay u diideen iyo
xayiraad ay ku soo rogeen toona.
Gabagabadii wuxuu yidhi, “Maalin kasta way yimaadaan xisbiyadu Gebiley
sida UDUB, UCID iyo KULMIYE, laakiin kani wuu ka duwanaa, wuxuuna ahaa mid
culayskiisa leh wax ka badan shaqada booliskana maanu qaban, nabadgelyadoo
la ilaaliyaana ma aha mid lagu cambaaraynayo masuul boolis ah iyo
xukuumadda, anaga boolis ahaan waa noo mid xisbiyaddu una kala eegi mayno
UDUB, KULMIYE, UCID toona waxaanu eegaynaa nabadgelyada shacbiga iyo
jiritaanka qaranimada reer Somaliland.
Top
Iftiinka Islaamka: Siiradii Rasuulka. |
Iyada oo bishan aynu ku jirno ee Rabiicu Awal
ay tahay bishii uu dhashay Rasuulku (NNKH) oo la xusi doono 12-ka bishan
Rabiicu Awal ayeynu qormada Iftiinka Islaamka ku soo qaadan doonaa
cadadyada Jimcaha ee soo socda siiradii Rasuulka (NNKH) si aynu u
xasuusano taariikhdii uu soo maray Nebigu iyo jidkii dheeraa ee uu u soo
galay faafinta Islaamka, waana tan qaybteedii koowaad.
NASABKII RASUULKA SCW.
Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu
galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim.
Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u
hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaan,
waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla
markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan
waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu
isku khilaafsan tahay sixadeeda waxaana weeye sidatan:
Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar)
binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu
Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu
Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaan.
Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la odhan jirey reer binu Haashim, waxaana
loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim
wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo
uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu
horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay
qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yemen.
Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo
Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa,
Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga
SCW awowgiis.
Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar
ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana
aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam.
Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday
magaalo la yidhaahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd
markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim
markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis
Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u
soo kaxeeyo wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu
Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way
u diidday, markaasuu ku yidhi "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo
xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo
noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka
joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday
sidaas darteed ayey wiilkii ku yidhaahdeen Cabdimudhalib (addoonkii
Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yidhi "war hooggiinee, waa wiilkii
walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas
Cabdimudhalib.
Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka
wiil la kala odhan jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar,
Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala
ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma.
Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman,
wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay
qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin,
waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo
isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.
DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADA.
Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida
ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr
Hinase markaasuu magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba
inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen.
Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani kinaana ah markaasuu kaniisaddii
tegey oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka
xanaaqay wuxuuna go'aansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay
ciidan gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo toban
maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga ayaa saarnaa. Abraha iyo
ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku soo dhow yihiin ayey geel
Cabdimudhalib lahaa qabsadeen markaasaa Cabdimudhalib ergo ugu tegey
isagoo doonaya in geeliisiiloo soo daayo.
Abraha wuxuu yidhi: "kacbadiinnii ayaan duminayaa, adna geel baad
dooneysaa!"
Cabdimudhalib wuxuu ugu jawaabey: "geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa
leh isagaan kaa difaacanaya" wuxu markaa Abraha yidhi "haddii aydan ila
dagaallamaynin Makka isaga baxa" qureyshna sidii ayey yeeshay, geeliina
waa loo sii daayey Cabdimudhalib.
Ka dib markuu Abraha soo gaadhay togga Xasar ee Musdalifa iyo Mina u
dhexeeya ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu u dhaqaaqo dhinicii
kacbada, marka dhinaca kale loo jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey
muddo sidaa ahayd ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray shimbiro mid walba
waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada lugood. Ninkii uu
dhagaxaasi ku dhacana wuu googo'ayey oo wuu dhimanayey.
Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee waxay ku dhacday intuu
Rabbi u qaddaray, intii kalena waa carareen iyagoo isjiiraya. Ninkii
Abraha ahaa isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay.
Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay, markeey Abraha
iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey guryohoodii ku soo laabteen.
Qisadan waxaa ka warrantay suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu
Rasuulku SCW dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii maroodiga
(Caamul fiil).
QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB.
Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu
faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la
garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo
sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo
wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii
ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tidhi:
"Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee
aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo
wuxuu yidhi: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay". Muddo
markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in
loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday.
Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii
jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii
kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen
iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan.
Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo inay halis ku
jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna aanu jirin,
ayuu ku yidhi raggii jifadiisa ahaa "nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul
fadhiisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa". Sidii ayey yeeleen laakiin
markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yidhi "ma wanaagsana inaan meeshan
iska fadhino ee aan soconno". Markuu hashiisii fuulay oo ay dhaqaaqday
ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay
dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeedhay. Markay kulligood
cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yidhaahdeen"
Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka
kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa
Samsamkana ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee".
Markaa ayuu Cabdimudhalib wuxuu ku nadray in haddii Ilaahay toban wiil
siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu
gowraco, halkaas ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore
loo socday.
Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen
ayuu isugu yeedhay oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli
noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii
markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu
carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina
gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda la aaday si uu u gowraco
hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco
siiba abtiyaashiis reer bani makhsuum, Cabdimudhalib wuxuu yidhi sidee
baan nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax
sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi "magtiinnu waa meeqa?"
markaasuu ugu jawaabay "toban halaad", ka dib ayey tidhi "toban halaad iyo
isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu
isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u
kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli
noqdo". Cabdimudhalib waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray toban halaad
iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib
geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi
illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii. Ka
dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.
Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka geela ah ahayd
waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid boqolkii ayuu u sugay,
oo uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay ina labo gowrac"
oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.
Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu
ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf galay, arrimo
badanna waxay ku dhaameen dad badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya.
Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya
qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan sida markay
dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen ama siday ballanta u
ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen,
nadarkana u oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta
islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada helaynin ayna
nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.
Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba ahaa nebiga aabbihiis, waxaa
hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu Caa'id binu Cimraan binu Makhsuum.
Cabdullaahi wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra
bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna,
Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina,
halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da'diisu waxay markaas ahayd 25 sano.
DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW.
Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo
bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu
dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu
bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey
wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka
SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi
jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yidhaahdaa wuxuu
dhashay isaga oo gudan.
Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii
Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii
badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul
sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo naanaystiisa la odhan
jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku
magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey
Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka
imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga
qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan,
Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo
aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo
dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen
waxayna yidhaahdeen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah". Dumarkii oo
dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan
agoonka ah ayaan qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba
dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka
dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi".
Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa
dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yidhaahdeen xoolo
raacadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd
daajiyaan.
Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey
hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way
ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW
markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin
isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo
legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaasuu ku
yidhi: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu
meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii
oo ku yidhi: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir
doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey
reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.
Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka gaadhey
markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo booqato
qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib
jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka
dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo
ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana
lagu xabaalay meel la yidhaahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa.
Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala
qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase
yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu
awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay
Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala
qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.
La Soco.
Top
Odhaahda Akhristaha: Riyo Hadii ay Dub Leeyihiin Dabadooda Ayey Ku
Qarin Lahaayeen. |
Waxa na soo gaadhay maqaal lagaga jawaabayo
fariin ku soo baxday 24-kii April ku soo baxday Wargeyska Jamhuuriya oo
cinwaankeedu ahaa “Bulshooy Yaa Arkay Gabadha Aan Doonayo” waxaana ka soo
Jawaabtay gabadha la yidhaahdo Khadan Ismaaciil maqaalkaa hore ee ku soo
baxay Jamhuuriya waxa uu u qornaa sidan:
“Bulshadeenu waxay dhaqan u lahaayeen hablihii waayo waayo timaha diibka
marin jiray, boqorka iyo dhacalaha ku xaragoon jiray, subeeciyadana xidhan
jiray tusbax cunaabi ahna ku jeeni qaaran jiray, aragtidoodana loo
boholyoobi jiray, kuwaas oo laysku carin jiray, kumaa ina rag ah ee
heblaayo ku dhacaaya, dabadeed marka uu midkood isa soo xambabuurana lagu
odhan jiray car ha kuu marto.
Waa ayaan darro weyn in hablihii sidaas ahaa uu maamuus jab ku dhaco aniga
oo odhan lahaa qiimahoodan jabay ayuu qalbigu iga xanuunaa awal waxa laga
werweri jiray raga balse casrigan aynu joogno waxaaad moodaa in haweenku
baro dhaafiyeen oo seeftu dul taallo.
Hadii uu beri samaadkii uu odhan jiray abwaanka murtida iyo dhaqanka ku
xeel dheer ee Maxamed Ibrahim warsame (Hadraawi) markuu alifay heestii uu
ku ammaanaaney hablaha geeska Afrika, ragana uu ku dhaliiley ee uu lahaa
hadaad gabadh cadaaniyo dhulka gaallo keentaan guumays shisheeya ah,
hadaad gacanta qabataan hablaheenu guur iyo geyaan yay ka sugeyaan, waxa
is weydiin leh tallow Hadraawi muxuu odhan lahaa maanta marka uu milicsado
hablaheena maanta ee wanaagii ka maydhmay, ee maryahoodii wada qubay.
Aan hoos u daadego iyo halka ay eeshu taalo ugxantuna ku burburtay.
Waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah oo ay dadiisu tahay 44 jir oo
degan labada dal ee Kanada, gaar ahaan magaaladda Toronto, iyo dalka
Ingiriiska gaar ahaan London, hadase ku sugan wadankayga hooyo ee
Somaliland oo aan u soo boholyoobay, dalala badan oo shisheeye oo aan soo
maray waxaan ka waayey gabadh soomaaliyeed oo hidaheena qurxoon wadata oo
aan guursado, taasi waxay igu keliftay in aan dalkayga u soo doonto, balse
nasiib darro waxa igu dhacay waxaanan qorshahba ku darsan oo ah in ay isku
mid ii noqdaan, hablihii joogay halkaan ka imid iyo kuwa beledkoodan ku
nool, taasi waxay igu dhalisay mar labaad in aan Saxaafada iyo bulshada u
soo bandhigo gabadha aan doonayo in aan helo.”
Odhaahda Jawaabta ah ee Khadan Ismaaciil-na Waatan:
Riyo hadii ay dub leeyihiin dabadooda ayey ku qarin lahaayeen
Tixraac maqaalkii ka soo baxay Jamhuuriya khamiis 24 April cadadkiisu ahaa
1997, isla markaana uu qoray nin magaciisa ku soo gaabiyey O.A. Elmi
ciwaankiisuna ahaa “bulshooy yaa arkay gabadha aan doonayo?”, ayaa waxaan
leeyahay yaan la cambaarayn gabdhaha soomaaliyeed, iyada oo aynu wada
ogsoonahay in aanu baniaadamku u sinayn sida aanu ilaahay (SWT) u simin
faraheena, intaasina ay dheertahahay iyadoo ilaahay swt uu umadiisa u
samaystay janno iyo cadaab si uu ugu abaal mariyo qof kasta oo ku uuman
aduunka korkiisa ayaa hadaba waxaan odhan lahaa iyadoo aanay sinayn
dhamaan gabdhaha soomaaliyeed lagana helayo qaar xun iyo kuwo wanaagsanba
in aan lawada canbaarayn iyadoo loo galaafanayo kuwa wanaagsan kuwa xun
xun iyadoo aan anigu aamin sanahay ra’yigayga in kuwa xun xun laftooda in
ay jiraan waxyaabo badan oo u horseeday xumaanta, iyada oo aad moodo in
beryahan dambe ay inagu soo badanayaan dhaqamo shisheeye kuwaas oo gaar
ahaan ay sababeen dadka inagaga imanaya wadamada reer galbeedka kuwaas oo
wata dhaqamo fawaaxish ah oo aanay marnaba bananaynayn diinteena islaamku,
aniga oo halkan kaga jawaabaya odhaahda odhanaysa gabdhaha soomaaliyeed
qiimahoodan jabay ayuu qalbigu iga xanuuna ayaa anna waxa uu qalbigu iga
xanuunaa raga waaweyn ee gabdho yar yar oo ay dhali karaan u horseedaya
dhibaato iyo mustaqbal xumo iyaga oo ku soo jiidaynaya lacag IWM.
Halkaas oo ay ku luminayaa mustaqbalka tiro badan oo gabdho da’ yar ah oo
aanay maskaxdoodu ku filayn, hadaba iyada oo ay jiraan dhibaatooyinkaasi
aan kor ku soo xusay ayaa waxaan odhan lahaa in ay ka digtoonaadaan
dhaqamada noocaas ah iyaga oo mugdi iyo madow u horseedi kara mustaqbalka
da’yarta, sidoo kalena laga digtoonaado in gabdhaha sharaftooda la
cambaareeyo iyada oo loo adeegsanayo warbaahinta.
"khadan isma'il", Hargeysa.
Top
Doorashadii Somaliland, Dooda Xisbiyada, Iyo Dawladaynu Haybinayno. |
Markii dhidibada loo taagay jamhuuriyadda
somaliland 18 May 1991,waxa la bilaabay tallaabooyin badan oo waxqabad ah
kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen dhisidii xukuumadihii kala dambeeyay ee
dalka soo maray mudadii laba iyo tobanka sano ahayd,aftidii dastuurka ee
la qabtay 31 May 2001(97%),doorashadii golaha degaamada ee Dec
2002,dadaalkii iyo hawlihii kale ee badnaa kuwaas oo shicib iyo xukuumadba
dalka wax loogu qabanaayay gudo iyo dibadba kuwaas oo iyaguna barbar
socday kuwaa sare.
Dhamaanba tallaabooyinkaas oo dhami waxay -siday iila muuqdaan-gogol xaadh
u ahaayeen dhismaha dawlad tartan cadaalad ah kusoo baxday oo ku dhisan
wada tashi taasoo dalka hogaamisa (2003-2008) kana badbaadisa dib u dhac
iyo siyaasadaha qaranimadeena waxyeelaya ee ka iman kara gudo iyo dibadba.
Hadaba su'aashu waxay tahay maanta marka aynu eegno sida wax u socdaan ma
heli karnaa dawladii aynu mudadaa dheer qorsheheeda kusoo jirnay?
Si dawlada la unkayaa u noqoto mid loo han wayn yaha
shacbi,axsaab,dawlad,iyo dhamaanba waa in laysku waafaqaa habka doorasho
iyo nidaamka ay ku imanayso,tusaale ahaan hawlihii kale oo dhami si fiican
bay usoo qabsoomeen waana wax ilaahay loogu mahad naqo,hadii aynu eegno
doorashooyinkii tan madaxweynenimada ka horeeyay ee degaamada Dec 2002
,may jirin dhaliilo badan oo hada tan dambe lagu sheegaayo inay kasoo
ifbaxeen, taas hore waxay ahayd mid inta badan dadwaynaha qancisay
axsaabtana tabashadoodu way yarayd marka loo eego tan hada hawsheedii
socoto,markaa halkaa waxa inooga cad in doorashadaa hore guud ahaan si
fiican oo wax ku ool ah u dhacday inkastoo tan dambeba si fiican u dhacday
Hadii aynu eegno doorashadan dambe ee (14 April 2003), shacbigu si aad iyo
aad u qurux badan buu hawshiisii ugutay,doorashada iyo cod bixintuna sidii
loogu talagalay iyo wanaag bay ku qabsoontay,laakiin waxa markii gudiga
doorashooyinka qaranku natiijadii si kumeel gaadh ah ugu dhawaaqeen soo
baxay muran u dhexeeya labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye, kuwaas oo mid
waliba goonidiisa u sheeganaayo inuu isagu guulaystay,labadooduba waxay
sheeganayaan inay heleen aqlabiyada dadwaynaha laakiin waxa taas soo
dayraysa maqnaanshaha ay labadooba ka maqan tahay tiradii u codaysay
xisbigii uu musharaxa madaxwayne ka ahaa mudane Eng faysal cali waraabe
iyo waliba tirada ka codaysay labadooda xisbiba.
Hadii aynu derisno natiijadii lagu dhawaaqay (19 Apr 2003) inay sax tahay
iyo in kale iyo waliba saamaynta ay ku yeelan karto Dawladii aynu
haybinaynay mudadaa dheer,intaynaan meel kaleba eegin waxaynu fiirin
karnaa dooda axsaabta inagoo ku horaynayna xisbiga udub deedna ku
xigsiinayna kulmiye,Udub wuxuu sheegay in codad uu ceerigaabo ka helay
tirooyin laga jaray,waxana uu intaa ku daray 21 goobood oo kale oo ay
sheegeen inay hayaan hadii si sharciya loo darso inay uga soo baxayaan
codad wadartoodu tahay (11356) intaa waxa raaca sanaaduuqda kalee la
sheegayo inkastoo kuwas gudigu sheegeen cilad jirtay awgeed in si sharci
ah loo tirtiray.
Dhanka kulmiye hadaynu eegno waynu ka dharagsanahay dareenka uu ka qabo
arintan,shirkii jaraaid ee uu qabtayna saynu ognahay isagoo ku marti
qaaday xubno badan oo ay ka mid yihiin madax dhaqameedyo,komishanka,
culimaaudiin iyo wax garad kale wuxuu kulmiye sheegay in tirooyin ka
khaldan wadarta natiijada ka soo baxday degmada Burco iyo degmada Gar-adag
ee gobolka Sanaag haddii taas oo keliya la saxo in uu KULMIYE kaga
guulaysnayo UDUB cadad dhan 76, xubnaha kamida gudiga doorashada ee
goobtaas kasoo qayb galayna may beenin kamanay hadal arintan kulmiye ee
waxay sheegeen in khaladaad dhici karo loo baahan yahay se
sixitaan,halkaana waxa laga fahmi karaa inay guddigu arinta kulmiye wax ka
garawsadeen.
Guddiga doorashooyinku runtii hawl culus bay dalkooga uqabteen tamar iyo
wakhtina way u hureen waxaanay mudan yihiin sharaf iyo hambalyo laakiin
waa bani aadam oo way khaldami karaan,inkastoo ay wadarta natiijadii ay
soo saareen aad uga fiirsadeen hadana hadii ay wax soo baxaan ma aha inay
yidhaahdaan waxaanu ku adkaysanaynaa go'aankii hore ee waa in la eegaa
sidii loo sixi lahaa,khaladaadka noocan ahi hadii ay soo baxaan maaha wax
inaga oo kaliya inagu kooban ee waa wax soo jiray wadamadii habkan inooga
horeeyayna ay soo maarayn jireen.
Natiijadii kumeel gaadhka ahayd ee gudigu soo saareen marka la eego
dareenada ay ka qabaan axsaabtu waxa la odhan karaa khaladaad aan sidaa
usii badnayn ayaa jira,sababta oo ah labadii xisbi kii natiijadaasi guusha
siinaysay iyo kii ay reebaysay labaduba waa kuwan midba goonidiisa dacwad
u qabo oo aanu midina ku qanacsanayn,isla markaasna mid kastaa waxa uu
sheegayaa inay wax ka khaldan yihiin,hadii xisbigii natiijadaasi
guulaynaysay uu ku qanci lahaa oo uu odhan lahaa xagayaga waa sax,xisbiga
kale waxa loo arki lahaa mid laga badiyay oo u baahan dacwadiisa in la
darso lana qanciyo,laakiin hadii uu xisbigii natiijadu guusha siinaysay
isagiiba natiijadii aanu ku qanacsanayn habkii loo tiriayay codadkii oo uu
wakhti hore soo bandhigay doodiisii, xisbigii kalena aynu arkayno miyaan
macnaheedu ahayn labada xisbi midna kuma qanacsana sidaa darteedna
sixitaankeeda loo baahan yahay.
Natiijada dastuuriga ah ee ay maxkamadu soo saari doontaa waxa muhiim ah
inay taas hore ka duwanaato waayo waynu aragnaa taas hore warkeeda,hadii
ay maxkamadu markay eegto hawlaha horyaalla ay natiijo cusub ama hab kale
oo is afgarad lagu helaayo ay soo bandhigatna waa inay si cadli ah uga
fiirsataa. Wixii wakhti iyo tamarana u hurtaa intay doonto haqaadatee
waayo waa arin uu ku xidhan yahay qaayihii dalku, dadwaynuhuna waa in ayna
dagdagin ee ay sugaan gundhiga arintan sababta oo ah dagdagu faydo malaha,
Dawladii aynu laba iyo toban sanno haybinaynay si aynu u gaadhno waxa
muhiim ah in si fiican loo dhawro go'aanka maxkamada, isla markaana wixii
fara galin ah laga dheeraado waayo waynu oganahay faragalintii hore ee la
sheegay tuhunka ay keentay,dawlada mustaqbalka dhow ee aynu intaas oo
dadaal ah usoo marnay si loo helo waxa fiican in natiijada dastuuriga ah
ka hor la isla meel dhigo duruufaha jira ee ay axsaabtu tabanayaan kuwaas
oo inbadan soo noqnoqday xaqiiqadoodana lasugay.
Bal akhristow inaga oo aan xisbina u xaglinayn arimahan eeg ay kamid
yihiin in cadaadis laga saaray xisbiyadii aan udub ahayn warbaahintii
qaranka ee loo sinnaa, saraakiisha shaqadoodii wayday ee maalmahanba
wararku ka hadlayeen,cadaadisyada kalee wararku sheegayaan iwm, hadii aynu
arimahan si dhex ah u eegno miyaanay saamayn ku yeelanayn dawladii aynu
doonaynay inaynu helno?dawlada habkan ku dhalataa miyaanay noqonayn mid
kusoo baxday sidii larabay sikaduwan? miyaanay noqonayn xisbi xisbigii la
tartamaayay cadaadinaya isagoo meel ku tiirsan? waxana inoo cadaanaysa in
udub ay kafaaiidaysanayaan awooda dawlada waana arimo u baahan in xal laga
gaadho ama si uun laysugu afgarto si dawlada soo socota loogu diyaar
garoobo una noqoto mid guul soo hoysa hadii alla yidhaa.
Dadkeenu waxa fiican inay hanka kor uqaadaanoo ay gasabkeeda yeeshaan sida
mar walba cadaalad iyo badbaadada dalka lagu gaadhayo,ma haboona in qofku
yidhaahdo mar hadii xisbigaan taageerayay guulaystay wax kasta oo guushaa
kasoo horjeedaa waa khalad,sidoo kale ma haboona in qofku yidhaa hadii
xisbigaygii guulaysan waayay saan doonaan yeelayaa,si ay inoogu hagaagto
dawladii aynu mudada dheer haybinaynay,halgankana usoo marnay,tamar iyo
maalba ku soo bixinay, qaranimadeenana u hormarino xag dhaqaale, adeeg,
maamul, aqoonsi caalami ah, gaashaandhig iwm waxa loo baahan yahay in laga
sinaado meelna ay uga soo wada jeestaan dhamaan aqoonyahanada,waxgaradka
danaynaya jiritaanka dalka ee jooga dalkii iyo dibadaba, dadwaynaha iyo
jaaliyadahaba, ilaalinta danta guud iyo nabadgalyada dalka Somaliland.
Ahmed Iid Aadan,India.
Top
Gari Udubna Ma Taqaan, Kulmiyana Ma Taqaan. |
Somaliland waxay maanta noqotay wadan aduunka
laga majeerto in iyada oo cidi caawin ay lugaheeda isku taagtay kuna
caanbaxay nabadgelyo buuxda,dimuqraadiyad ,kala danabayn iyo wixii wadan
fiican lagu yaqaanay oo dhinaca dadweynaha ay ka hirgeleen waxaasi oo
dhami marka loo eego geeska afrika iyo afrikaba guud ahaan.
Hadaba waa wax aad looga xumaado ah go,aankii ay ku dhawaqeen gudiga
koomishanka SL kaas oo ah mid uu muuqanayo tuhunkiisa iyo wuxuu yahay
marka aad eegto wareysiyadii ay bixiyeen isla gudigaasi oo isku wada nooc
ahayn, waqtiga ku dhawaaqida oo kolba waqti laga dhigay,iyagoo sheegay
gudiga golayaasha inay ergo ay ugu tageen ay ahayd inay udub qanciyeen
lakiin aad garanso ninka la qancinayo in uu yahay in laga guulaystay oo la
leeyahay waa lagaa helaye qanac, laakiin aanay ahayn waad heshaye ku qanac
oo qaado guusha waxyalahaas oo dhami wuxuu noqanayaa sawirkeedu in ay
ahayd wax iska cadaa halka ay wax iska dhafeen iyo sida wax layidhi. Ugu
horeyn waxaan u shegayaa in mar hadii ay arinkii soo gaadhay maxkamada
distooriga ah inay maanta iyadoo qaaday masuul aad culus oo dhib yarayn
lakiin waxa ay guusha ku heli kartaana ay tahay in ay xaqa garsoorto kuna
dhawaaqdo sida xaqu yahay taas oo sharaf ,qiimo dhinac aduun iyo aakhiraba
ay ku helayso lakiin hadii ay ka taliso si xaqu ku qotonto iyadoo iska
ilaalinaysa cid kasta oo tii hore koomishanku ay ku dhawaqeen 19 April 03
qancinta qashqashaada, shakiga, huuhaada iyo wax kasta oo arinkooda
caaqibxumo ku keenaya, goaankaasuna wuxuu noqonayaa mid tariikhda idiin
gala oo tii ina sanweyne oo aad tidhaahdaan Gari Udubna Ma
Taqaan,Kulmiyana Ma Taqaan Ee Gari Ilaahay Ayey Taqaan. Ilaahay waxaan ka
baryayaa in uu idin waafajiyo sida xaqu ku jiro.
Shacabka somaliland waxaan u shegayaa inaad si fiican idinku u gudateen
hawshii idin saarnayd si qiiro iyo wadaniyad aad u saraysa ay ku jirto,
waxaan u sheegayaa in shacbi weynahu aanu kala tageerin kala jeclaysan
xisbiyada,lakiin in wado sharci loo maro wax kasta cadaana oo aan xaqdaro
la ogolaan,xaqana loo hiiliyo iyadoo aan cidna laga baqanayn waayo
Somaliland halkay ka soo baxday waa la ogaa inaynu WANKA U TU,INAY OO
LAYNA SIIN.
Waxaan farayaa dhamaan in shacabka qaaliga ee ah ee Somaliland,inta
danaysa Wanaaga somaliland ee jecel horumarka inay ku dadalaan sidii loo
xoojin lahaa nabadgelyada iyo wada nolaanshaha shacbiga somaliland ,ilaalinta
qaranimada Somaliland iyo dhowrista distoorka.
Xukuumada talabooyinkan ay qadayso ee xadhiga iyo xanjabaadu maha mid
quruxbadan ,waafaqsana distoorka dalka, dimuqraadiyada iyo xuquuqda
muwaadinka somaliland,waxaanay noqotay mid guud ahaanba dadka somaliland
gude iyo debadba cadho gelisay, werwer iyo walaacna ku abuurtay ,arintan
oo noqotay mid ay ku farxaan cadowga somaliland ,noqotayna mid aan looga
fadhiyin xukuumada somaliland falalka nocaas ah ee cadada u noqday, waxaan
kula talinayaa xukuumada somaliland in ay siiso muwaadinka
qiimayntiisa,joojisana falalka argagaxa leh ee ay ku jirto hanjabaada ,caga
jugleynta iyo xadhiga sharci darada ah nabadgelyada ay khalkhalka ka deyso.
Haayadaha distooriga ah,culimada, waxgarka, aqoonyahanada, saladiinta iyo
inta masuulka weyni saarantahay waa inay war heyn hoogan ku sameyaan
maxkamada dalka kuna booriyaan gudiga maxkamada inaanay cidina u hanjabi
karin, cidna ka qabin in sidii cadalad ku jirto ay sameyaan, lana
dhiirigeliyo, kana hortagaan wixii wax u dhimaya qarinimada wadanka,
nabada, cadalada, xoriyada muwaadinka iyo wada noolashaha umadda.
waxaan ku soo gebagebaynayaa in dhamaan shacbiga walalaha ah ee somaliland
ay is qabsadan gacmaha iskana ilaaliyaan wixii duminkara jiritaankooda, oo
nacayb la nacay maamulkani sida uu wax u wado yaan loo dumin dalka.
Ugu danbeyntii waxaan u rajeynayaa shacbi weynaha somaliland guushaa iyo
barwaaqadaa in ilahay u siyaadiyo maxkamada distooriga ah waxaan ka
rajeynaynaa go'aanka xaqa ah oo cadaalad ku qotama inay sida ugu dahkhsaha
badan ay uga dhawaajiyaan, amiin, amiin, amiin.
Adan Yuusuf Elmi.
United Kingdom.
Top
Awr Xamalkii Waa Qaadaa Se Xadhig Qaloocan Ma Qaado. |
Horta waa ilaah mahadii mar hadday
doorashooyinkii si nabadgelyo ah inoogu dhaceen, maxaa yeelay wadamo badan
ayaa fiira-gaar ah siinayay sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd, amaba
cadowga Somaliland oo doonayay in ay doorashadu si nabadgelyo xumo ah u
dhacdo.
Intaa kadib, waxay cadhuuftoodu dib u liqeen markii ay sida wanaagsan u
dhacday, kadib waxaa dhacay waxaanay filanayn dadka reer Somaliland oo ay
ku kaceen komishanku, maxaa yeelay waxay sameeyeen cadaalad-darro aan laga
filayn iyo waxaan looga fadhiyin. Waayo, waxay ku ballanqaadeen in ay
yihiin garsoorayaal dhexdhexaada cidna aan ka haybaysanaynin, laakiin
taasi way shaqayn wayday, marka dawladda oo ah xisbi loolamayay u
cago-jugleeyeen komishanka, kaaga darane waxaa ka sii yaab badnayd markii
odayaashii Guurtida iyo Wakiilladu soo faro-geliyeen hawshii komishanka
loo igmaday, iyagoo cudur-daar raqiisa ka dhiganaya “Waxaan u tagnay
dhexdhexaadnimo,” taasina ay keentay in sumcadii iyo karaamadii Guurtida
loo hayay halkaa ku baaba’do, maxaa yeelay iyagu waxay ka talinayeen
aayahooda si ay u sii ahaadaan Guurti iyo Baarlamaan, balse aan hoosba u
eegin xaaladda dalku marayo iyo xilligan kala guurka ah ee aynu caalamka
kaga raadsanayno ictiraafka.
Haddaba, Guurtida iyo Baarlamaanka waxaan leeyahay ceshada sharaftiinii
iyo karaamadiinii aad dadka ku dhex lahaydeen oo xisbiyada dhexdhexaad u
noqda.
Komishankana waxaan leeyahay way iska cadayd sidii doorashadii u dhacday
inta Illaahay ka sokeysa ammaanteeda idinkaa iska leh, laakiin natiijada
aad soo saarteen ma tahay mid sax ah? Marka loo eego dib-u-dhaca aad dib u
dhigteen maalintii aad ballanqaadeen ee aad tidhaahdeen waxaanu ku
dhawaaqaynaa Sabtida, taasina ay keentay wax isdaba-marin iyo wax
isweydaari, waayo haddii ururka UDUB ku guulaystay jimcihii ugu dhawaaqi
lahaydeen, maalintaana idilamay dhaafteen, laakiin waxa iska cad in
xisbiga KULMIYE cagaha u qabateen xisbiga UDUB, maxaa yeelay, 76 cod ee uu
leeyahay xageed ku tuurteen [Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Awr xamalkii
wuu qaadaa xadhig qaloocanse ma qaado”].
KULMIYE, wuxuu xaq u leeyahay in aan laga duudsiyin 76 cod ee uu UDUB
dheeryahay, Maxkamaddana waxaan leeyahay ha noqonina sida Komishanka ee
qaada Cadaaladda sax ah.
C/raxmaan X. Nuur Cismaan, Hargeysa.
Top
Hooyo Weris Aw Jaamac Xasan, C/fataax Maxamuud
Caydiid iyo Xaaskiisa, C/Raxmaan Maxamuud Caydiid, C/Caadil Maxamuud
Caydiid, Nasra Maxamuud Caydiid Iyo Odaygeeda C/Laahi Maxamed Cabdi, Raxma
Maxamuud Caydiid, Iyo Odaygeeda Maxamed Yuusuf Cali, Nuura Aw Jaamac, Iyo
Xasan Aw Jaamac Xasan, Maxamed Caydiid Cabdi, Maxamed Xasan Cabdi Iyo
Xaaskiisa, Muxumed Xasan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Axmed Aadan Cabdi Iyo
Xaaskiisa, C/Laahi Xasan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Carab Cali Cabdi Iyo
Xaaskiisa, Ismaaciil Cali Cabdi Iyo Xaaskiisa.
Dhammaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Xasan Cabdi Shide
& Khadiija Ibraahim Aw Muuse Oo Wiil Ugu Dhashay 5/5/2003 Magaaladaa
Hargeysa Wiilkaas Oo Loo Bixiyay C/Raxmaan, Waxay Leeyihiin Ha Noqdo Kii
Diintiisa, Dalkiisa Iyo Dadkiisa Anfaca.
Dhalasho Farxad Leh.
Gudoomiyaha Shirkadda Haatuf Media Network, Yuusuf Cabdi Gaboobe, dhammaan
tifaftirayaasha Wargeysyada Haatuf, Somaliland Times iyo Al Haatif Al
Arabi, Axmed Ducaale, , Axmed Cali Garas, Siciid Ismaaciil Guraase, M/rashiid
Muxumed Faarax, Maxamedamiin Jibriil Xuseen, Axmed Muxumed Faarax, Xasan
Xoosh, C/casiis Kuweyti, Cabdalle Diigool, Axmed Jaamac Ismaaciil, C/Baasid
Ismaaciil, C/fataax Dheeg, Xuseen Khaliif, Liibaan Maaweel Shire, C/raxmaan
Daahir, Maxamed Cumar, Maxamed Xasan, Saynab, Muna iyo dhammaan shaqaalaha
Haatuf Media Network Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Xasan Cabdi
Shide & Khadiija Ibraahim Aw Muuse Oo Wiil Ugu Dhashay 5/5/2003 Magaaladaa
Hargeysa Wiilkaas Oo Loo Bixiyay C/Raxmaan, Waxay Leeyihiin Ha Noqdo Kii
Diintiisa, Dalkiisa Iyo Dadkiisa Anfaca.
Top
C/Risaaq Maxamud Guure, C/Sayid Xuseen, Axmed
Xuseen Ibraahim, Mustafe Maxamed Cabdale, Mustafe Maxamuud Guure, Maxamed
Daahir Cali, Xasan Axmed Cabdale, Cali Maxamuud Ducaale, Jaamac Maxamed
Cabdale, Siciid Ibraahim Maxamed, Mustafe Cali Xariir, Dhamaan Dadkaasi
Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Axmed Ibraahim Maxamed Iyo
Raxmo C/Raxmaan Ducaale (Dheeg) Oo Ku Aqalgalay Magaalada Ceerigaabo,
7/05/03. Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Kheyr Qabana Kala
Hela. Aamiin.
Top
Aabo Sacad Aadan Jaamac, Hooyo Caasha Yuusuf
Ibraahim, Hibo C/Laahi Cilmi, Saado Jaamac Iyo Carruurteeda, C/Raxmaan
Sacad Aadan, C/Risaaq Sacad Aadan, Fu’aad Cabdi C/Laahi, Khadar Maxamuud
Cabdi, Saynab Cabdi Faarax, Cabdi Yogol, Aamina Aadan Xasan, Maxamed Cabdi
Yogol, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka
Jimcaale Aadan Faarax Iyo Nimco Sacad Aadan Oo Isku Mehersaday Magaalada
Berbera 03/05/03, Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Inuu Arooskooda Ku
Gaadhsiiyo Bash Bash Iyo Barwaaqo. Aamiin.
Top
Waadiga Ciyaaraha: Maxaa Kala Qabsaday Kooxaha Mataanaha Milan? |
Milan (Haatuf): Wax aanay rajaynayn dadweynaha
Talyaanigu ayay kala kulmeen ciyaartii is-araga hore ee semifinalka
horyaalka Yurub ee u dhexeysay labada kooxood ee isku magaalada ah AC
Milan iyo Inter Milan, taas oo ku dhammaatay iyadoon wax goolal ah laysku
dhallin sagaashankii daqiiqadood ee ciyaartu socotay habeenimadii
Arbacadii, waxaanay ciyaartaas ku ciyaarayeen garoonka keliya ee
labadoodaba ka dhexeeya San Siro, balse ay kooxda AC Milan is-aragan hore
iyadu faa’iidada garoonka lahayd.
Muuqaalka ciyaarta labadan kooxood ayaa la filayay inuu noqdo mid xiise
badan yeesha, iyadoo taageerayaasha labada kooxood oo muuqaalkuu midab
badnaa ay saacado badan ka hor bilow ciyaarta ku sugnaayeen garoonka, taas
oo ku tusaysay hirdanka iyo dagaalka xoogga ah ee ka dhexeeya labadan
kooxood.
Inkastoo ay kooxda AC Milan ciyaarta inteeda badan iyadu gacan sareysay,
iyadoo garoonku ciyaartaa xalay uga dhignaa in ay garoonka leedahay,
haddana fursadihii ay heshay ma ay noqon qaar goolal keena. Kooxda Inter
oo uu ka maqnaa gooldhaliyahoodii ugu gooldhallinta badnaa Christian Vieri
oo dhaawac kaga maqan kooxda, haddana waxa ciyaarteeda ka muuqatay
digtooni iyo taxadir badan, iyadoo dhinaca kalena tababaraha kooxda AC
Milan Carlo Ancelloti aanu soo gelin ciyaartoyga reer Brazil ee Rivaldo
rubuc saacihii ugu dambeeyay ciyaarta mooyaane.
Qaybtii hore ee ciyaarta kooxda Inter ayaa gacan sareysay, balse ay
ciyaartoydeedu lumiyeen fursadihii ay heleen. Daqiiqadii 5aad ayuu
ciyaartoyga reer Uruguay, Alvaro Recoba kubad keligii ula baxay goolka
kooxda AC Milan, isagoo kubadda ku laaday lugtiisa bidix, taas oo ahayd
mid daciifa oo aanu isku dhibin goolhayaha reer Brazil ee Dida
qabashadeeda, taasina waxay ahayd fursadii ugu khatarsanayd ciyaarta ee ay
hesho kooxda Inter.
Daqiiqadii 15aad ayay ciyaartoyda Inter heshay fursad kale, kadib markii
ciyaartoyga Boortaqiiska ah ee Sergio Conceicao kubad uu dhinaca midig ka
helay ku soo karoosay goolka AC Milan dhexdiisa, balse madaxa uu ku
dhuftay Recoba ayaa ahaa mid khafiifa oo uu si sahlan u qabtay Dida.
Tababare Carlo Ancelotti, ayaa kooxda ku sameeyay 4 bedel ciyaartoydii
kooxdiisa u ciyaaray ciyaartii sabtidii ee ay la yeesheen Como, waxaanu
dibadda dhigay Dario Simic, Roque Junior, Massimo Ambrosini iyo Rivaldo,
isagoo soo ciyaarsiiyay ciyaartoyda xaga hore ugu jira ee Alesandro
Costacurta, Kakha Kaladze, ciyaartoyga Inter hore ugu ciyaar jiray ee
Clarence Seedorf iyo Rui Costa, iyadoo uu afka hore weerarkana ka
ciyaarsiiyay labadan xidig ee Filippo Inzaghi iyo ciyaartoyga reer Ukraine
Adriy Shevchenko.
Halka uu Tababare Hector Cuper, kooxdiisu ahayd ciyaartoyda darajada
koowaad oo uu dib ugu soo laabtay ciyaartoyga reer Argentina Hernan Crespo
iyo ciyaartoyga Recoba, iyadoo ciyaartoyga khadka dhexe ee Luigi Di Biagio
laftiisu uu dib ciyaarta ugu soo laabtay, sidoo kale ciyaartoyda Ivan
Cordoba iyo Franceco Coco oo iyagu hore ugu ciyaari jiray kooxda Milan ay
iyaguna ciyaarta ka qayb-qaadanayeen. Bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta
ayay kooxda AC Milan muujiyeen gacansareynta ciyaarta, waxaanay la soo
galeen weerar isdaba jooga, taas oo keentay in qaybtii dambe ee ciyaarta
badankeeda lagu ciyaarayay qaybta garoon Inter. Ciyaarta khatarta ah ee
Rui Costa ayaa labada darbadood xoog ah ku laaday goolka, iyadoo tii hore
ay goolka dhinaca midig ka martay, tii labaadna uu birta bidix ka mariyay.
Weeraryahanka Shevchenko, ayaa ku dhawaaday inuu gooldhallinta ciyaarta
furo, kadib markii uu difaaca dedaal keligii ah soo sameeyay kadibna u
baasay Shevchenko oo isagu kubaddaas ku laaday goolka, balse kama fakan
goolhayaha Inter , Toldo oo gacanta ku dhigay.
Fursadii ugu dahabsanayd ciyaarta, ayaa waxa ku lug yeeshay oo soo dhisay
Rui Costa, kadib markii uu kubad u baasay Shevchenko, laakiin halkii uu ku
shuuti lahaa goolka ayuu weeraryahanku ka doorbiday inuu u baaso
saaxiibkiisa khadka weerarka kala ciyaarayay ee Inzaghi, balse
difaacyahanka reer Colombia, Ivan Cordoba ayaa kubad ka soo difaacay kana
badbaadiyay goolkiisa.
Tababare Cuper, ayay filanwaa ku noqotay weerarada kooxdiisa lagu hayay,
taas oo ku khasabtay inuu bedel sameeyo, waxaau soo ciyaartoyga khadka
dhexe hore ugaga ciyaari jiray kooxda AC Milan ee Andres Guly oo uu ku
bedelay Conceicao. Laakiin kooxda AC Milan way sii waday weerarkii ay ku
haysay kooxda Inter.
Kooxda ayaa haddana waxa ay samaysay bedel labaad markay 20daqiiqadood ka
hadhsan dhammaadkii ciyaarta, waxa ciyaarta ka baxay Recoba, iyadoo lagu
bedelay gooldhaliyaha da’da yar ee reer Sierra Leone, Maxamed Kallon.
Ancelotti, ayaa isaguna ciyaarta ka saaray Christian Brocchi oo uu ku
bedelay ciyaartoyga reer Brazil ee baalka ka ciyaara Serginho oo
kaalintiisii galay, iyadoo Serginho sameeyay xoogay dhaqdhaqaaq ah, balse
iyadoo aanu isku baal kala ciyaarayn Shevchenko, kubadiisii waxay toos ugu
tagtay Toldo oo si fudud uga qabtay.
Tababare Ancelotti, ayaa kaadhkii ugu dambeeyay ciyaarta ciyaaray, iyadoo
uu soo geliyay labada ciyaartoy ee Redondo iyo Rivaldo oo uu ku kala
beddelay Gattuso iyo Shevchenko, halka kooxda Inter Ciyaartoyga Coco oo
dhaawac soo gaadhay lagu bedelay Giovanni Pasquale.
Hernan Crespo, ayaa ku sigtay inuu gool ay kooxdiisu ku haraatido AC Milan
dhaliyo, kadib markii uu kubad ka boobay difaacyahanka Maldini, kadibna
dulmariyay goolwadaha Dida oo isagu hore u soo baxay, balse shiishka ayaa
ka khaldamay kubadanu goolka ma gelin, halkaas ayay ciyaartii ku
dhammaatay barbaro aan wax goolal ah laysku dhallin.
Ciyaarta is araga labaad waxay labadan kooxood isla garoonkan San Siro ku
kulmi doonaan Salaasadda soo socota, taas oo haddii ay ciyaartu ku
dhammaato barbaro aan wax goolal ah laysku dhallin ay kooxda AC Milan
ciyaarta kamadambaysta ah u bixi doonto, sababtoo ah ciyaarta dambe waxay
noqonaysaa ama loo xisaabinayaa in ay kooxda Inter gurigeeda ku ciyaarayso,
AC Milan-na ay marti u tahay.
Dhinaca kale, Kooxda Real Madrid ayaa guul aad u adag 2-1 kaga adkaatay
kooxda kale ee Talyaaniga ah Juventus, habeen salaasaddii, ciyaartaas oo
ahayd is aragii koowaad ee ciyaaraha semi-finalska Horyaal kooxaha Yurub
(Champions League) loo yaqaan oo ka dhacday garoonka kooxda Real Madrid.
Labada xiddig ee reer Brazil, Ronaldo iyo Roberto Carlos, ayaa kala
dhaliyay labada gool ee Real Madrid, halka uu weeraryahanka Faransiiska ah
ee David Trezeguet u dhaliyay kooxda Juventus goolka keliya ee ay
keensatay ciyaartaas.
Labadan kooxood ee Real Madrid iyo Juventus, ayaa ciyaartooda labaad ku
kulmi doona Torino Arbacada toddobaadka soo socda oo ay ku kala bixi
doonaan labada kooxood.
Top
|