Taliyaha Ciidanka Birmadka Oo Xoog ku Qaatay Kamaradii Wargeyska Haatuf.
Saddex Askari Oo Maraykan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed
Dalka Ciraaq.
Hambalyo Meher.
Xaraash Baabuur Bus No: S/Land 2416, Oo Uu Leeyahay C/Laahi
Axmed Xasan.
Xayiraad Dhul.
Cajalad La Sheegey In Uu Dubey Saddaam Xusseen Oo La Helay.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ciraaqna La Xoree, Somaliland-Na Is
Xureeysay!
Dedaal La’aanta Dimuqradiyada Iyo Duufanada Shuuciyadda Ee
Qarniga.
Xaaladda Ardayda Somaliland Ee India.
Somaliland Gefbay Ka Galeen Komishanka Iyo Qarankaba.
Shacbigu Wuxuu Sugayaa Go’aanka Maxkamadda Sare.
Natiijadda Doorashada Ee Khilaafka Keentay Hala Tir-Tiro.
|
|
Taliyaha
Ciidanka Birmadka Oo Xoog ku Qaatay Kamaradii Wargeyska Haatuf. |
Waxa La Xidh-Xidhay Wariyeyaal
iyo Wakiilo Xisbi.
Hargeysa (Haatuf): Waxay ahayd nuskii dambe ee Habeenimadii khamiista ayaa
wadada Togdheer ee hormara xarunta shabakada Haatuf, waxa isu baxay
dhawaaqa siidhiga ciidamada oo uu sanqadha qaabka dhiiladda habka dagaal
gelinta, goobtaas oo ahayd isgoyska wadada Togdheer, ayaa weriyayaal ka
tirsan Wargeyska Haatuf oo ka soo baxay xafiiskooda waxay arkeen ciidanka
booliska ee heeganka oo hareereeyey haan kuwa booyadaha shidaalka ah oo
saaran gaadhi u eg nooca tareelayaasha ah ee loo yaqaan kaare xambaarka,
isla markaana waxa weriyayaasha dareenkooda soo jiitay qarada iyo
balaadhka haanta booyadda ah ee gaadhiga xanbaarsani, taas oo aan nooceda
hore loo arag.
Weriyayaashu waxay markiiba maqleen muran ka dhex aloosmay booliska iyo
saddex nin oo gashanaa dirayska ciidamada qaranka oo saarnaa gaadhiga is-xambaarka
ah, kuwaas oo markii ay boolisku joojiyeen ee ay waydiiyeen cida leh
haanta weyn ee gaadhiga saaran sheegay in ay leeyihiin ciidanka qaranku.
Hase yeeshee booliska oo aan arrintaa ku qanacsanayn ayaa la xidhiidhay
madaxdooda waxaana markiiba goobtii yimid taliyaha ciidanka Birmadka Cabdi
Fool Xun, waxaana dhacay is-afgaran-waa iyo khilaaf ka dhex abuurmay
ciidanka booliska iyo saddexda nin ee booyada watay oo hubaysnaa, waxayna
weriyayaashu maqleen sarkaalka booliska oo ciidamo xoojin ah ku dalbanaya
is-gaadhsiinta raadiyaha.
Hase yeeshee markay arrintu halkaa marayso ayaa weriyaha Haatuf Maxamed
Amin isku dayey inuu sawiro booyada haanta ah ee gaadhiga saaran oo muran
iyo shaki ka taagnaa, laakiin sarkaalka booliska ee Cabdi Fool Xun ayaa
amar askartiisa ku siiyey in kamarada laga qaado, taasina waxay keentay in
mid ka mid ah askartu oo xoog kaga fara maroojiyo, weriyaha Haatuf oo ah
nin caato ah, wuxuuna xoog kaga qaaday kamaradii, isaga oo ciidanka ku
amray inay qabtaan, isla markaana waxa weriyaha loo gaystay hanjabaad iyo
cago-juglayn, taasoo keentay in weryayaashu ay ku soo laabtaan xafiiska ka
dib markii ay dedaal badan u galeen in kamarada loo soo celiyo, balse waxa
ka madax adaygay Cabdi Fool Xun oo ku adkaystay inaanu kamarada bixinayn
iyaga oo kaga daba tegay saldhiga dhexe ee booliska, balse waxa uu ugu
hanjabay inuu ciqaabi doono haddii aanay meesha ka tagin.
Laakiin weriyayaashu waxay door-bideen nabadgelyada waxaanay dib ugu soo
laabteen xarunta Wargeyska, xiligaas oo ahayd afartii subaxnimo.
Dhinaca kale waxa beryahan isa soo tarayey falal ka imanayey dhinaca
xukuumadda ah oo lid ku ah xorriyadda, xorriyadda saxaafadda iyo hanaanka
dimuqraadiyadda ee ku salaysan hanaanka xisbiyada badan.
Waxaana falalkaa ugu dambeeyey gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Yuusuf
Faarax (Dhakhtar) oo maalintii jimcihii lagu xidhay magaalada Boorama,
waxaana xadhigiisa loo aaneeyey war uu siiyey wargeyska Haatuf oo uu ku
cambaareynayey masuuliyiinta xisbiga UDUB ee Boorame inay wadeen falal lid
ku ah qaranimada Somaliland.
Sidoo kale maalintii khamiistii waxa isna magaaladda Boorame lagu xidhay
weriyaha Wargeyska Haatuf ee Boorame Maxamed Cumar, waxana sida ay
sheegeen masuuliyiinta gobolku xadhigiisu la xidhiidhay isla warkaa lagu
xidhay gudoomiyaha KULMIYE oo uu ka soo diray Boorame, kaasoo ku soo baxay
cadadkii 7-dii May ee arbacadii dabayaaqadii todobaadkii ina dhaafay.
Waxa iyana mudooyinkan dambe isasoo tarayey caga-juglayn iyo xadhig lagula
kacay weriyayaal ka tirsan wargeysyada madaxa banaan axsaabtii iyo dad
kale oo isagu jira dhalinyaro iyo haween, kuwaasoo ay ka mid yihiin laba
haweenay da’ah iyo wiil dhalinyaro ah oo reer Gebiley ah oo sida la
sheegay aan wax dambi ah lagu hayn.
Waxa iyana jira dad kale oo lagu xidhay saldhigyada magaalooyinka,
kuwaasoo loo malaynayo inay u xidhan yihiin arrimo xisbi iyo afkaartooda
siyaasadeed ama caga juglayn loo geystay.
Top
Saddex Askari Oo Maraykan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Dalka
Ciraaq. |
Baqdaad (W. Wararka) Saddex askari oo Mareykan
ah baa ku geeriyooday mid afraadna waa ku dhaawacmay markii shalay oo
jimce ahayd ay la qaraxday dayuuraddii ay saarnaayeen oo nooceedu ahaa
kuwa qumaatiga u haada oo loo yaqaan Black Hawk .Dayuuraddaas qaraxday
waxay kamid ahayd labo dayuuradood oo loo diray degmada Tikrit si ay usoo
badbaadiyaan wiil ciraaqi ah oo qarax ku waxyeeloobay.Dayuuradahaasi waxay
ku degeen ugu horreyntii jiinka wabiga Tigriis waxaana wiilkii dhaawaca
ahaa lagu riday mid kamid ah dayuuradahaas oo la haaday mushkilad laáan ,hasayeeshe
dayuuraddii labaad baa waxaa markii ay kacaysay baalaha ay ku dhufatay
xadhkaha xogga korantada arintaas oo sababtay in dayuuraddii majarihii ka
lumo ayna wabiga kusoo duldhacdo ,waxaana ka badbaaday nin qur ah oo u
dabaashay banaanka wabiga .Wiilkii dhaawaca ahaa iyo dhaawacii
Mareykankaba waxaa lagu daweeynayaa Cisbitaal ciidamada Mareeykanku
leeyihiin.
Saddexdaas askari oo Mareeykanka ah oo dhimatay waxay tiradii
askartii mareeykanka kaga dhimatayhawlgalkii dagaalka Ciraaq ka dhigayaa
145 Askari.
Wararka qaarkood oo aan wali la hubin ayaa sheegaya in dayuuradaas laga
soo toogtay dhulka Dayuuradii ugu dambaysay oo isla noocaan ah waxaa lagu
soo riday agagaarka karbala ee dalka Ciraaq labadii abriil halkaas oo ay
ku dhinteen lixdii askari oo dayuuradaas saarnaa.
Top
Hoodo Ismaaciil Nuur, Khadra Maahir, Sacdiya
Maxamed, Hana Siciid Cali, Muna Siciid Cali Maxamed Sakariya, Ismaaciil
Maahir, Ugbaad Maxamed Nuur, Sucaad Cabdi Ismaaciil, Hibo Muuse X. Cali,
C/Salaan Ismaaciil Nuur, Safiya Ismaaciil Nuur Dhamaan Dadkaasi Waxay
Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Saki Faysal X. Jaamac Iyo
Milgo Ibraahim C/Laahi Oo Isku Mehersaday 08/05/03 Magaalada Hargeysa
Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara Ubad Khayr Qabana Kala Hela.
Aamiin.
Top
Xaraash Baabuur Bus No: S/Land 2416, Oo Uu Leeyahay C/Laahi Axmed
Xasan. |
Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Waxay Dadweynaha
Ku Wargelinaysaa Inay Xaraashayso Baabuurka Lambarkiisu Yahay S/L 2416,
Noociisuna Yahay Caoster. Baabuurkaasi Oo Uu Leeyahay C/Laahi Axmed Xasan.
Haddaba Waxay Maxkamadda Ku Wargelinaysaa Ciddii Danaynaysa Inay Ugu Soo
Hagaagaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Xaraashkuna Wuxuu Ka Bilaabmayaa
Laga Bilaabo Maalinta Laga Sii Daayo Idaacadda, Jaraa’idkana Lagu Baahiyo,
Xaraashkuna Wuxuu Socon Doonaa Muddo Shan Cisho Ah.
Ciise Yuusuf Faahiye, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Top
Maxkamadda Gobolka Hargeysa Waxay Xayiraysaa
Dhulka Cabirkiisu Yahay Laba Baloodh Oo Midkiiba Yahay 60x80 Ft. Kuna
Yaala Degmada Axmed Dhagax Qaybta Sh. Muuse Ducaale, Dhulkaasi Oo Ay
Dacwadiisu Taalo Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Kana Dhaxaysa Dhinacyada
Kala Ah:-
Dacwoode Cabdi Ibraahim Xasan Iyo Dacweysane Mawliid Kayse Muxumed, Iyada
Oo Sohdimaha Dhulkaasi Yahay Bari Wado, Galbeed Dhisme, Waqooyi Waddo,
Koonfur Dhisme.
Haddaba Waxay Xayiraysaa Dhulkaasi, Amraysaana In Aan La Kala Wareejin
Karin, Lana Rahmi Karin, Lana Dhisi Karin, Lana Hibayn Karin, Sifa Sharci
Oo Kalena Loo Isticmaali Karin Ilaa Amar Dambe Uu Maxkamadda Ka Soo Baxayo
Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Sh. Faarax Nuur Maxamed, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Top
Cajalad La Sheegey In Uu Dubey Saddaam Xusseen Oo La Helay. |
BBC, Weriyayaashu, waxay sheekooyinka muhiimka
ah xaqiiqsadaan marka ay baadhitaan dheer ku sameeyaan, hase yeeshee koox
weriyayaal ah oo ka socda Jaraa'id Sydney Morning Herald ee dalka
Australia, ayaa waxaa si toos ah u soo gaadhay cajaladan, sida uu qirayo
weriyahooda Ed O'Loughlin.
Weriyuhu, wuxuu sheegay in ay joogeen hotel-ka ay degan yihiin
bannaankiisa, kaasoo ku dhagan hotel-ka Falastiin ee ku yaalla badhtamaha
magaalada Bagdaad, laba nin oo baabuur wadata ayay arkeen mid ayaa soo
aaday xooga, oo tarjumaankooda waydiiyay halka ay joogaan weriyayaasha oo
dhan, gaar ahaan Al-Jazeera, laakiin maadama hotel-ka cidii galaysa ay sii
marayso ciidanka maraykanka ee ilaalinaya ayay ku adkayd in ay
gaadhsiiyaan cajalada Al-Jazeera oo ay ugu talogaleen.
Labada nin way walwalsanaayeen ayuu yidhi weriyuhu, ugu dambayntiina
maadaama kooxdan weriyayaasha wargayska Australia ka socday ay bannaanka
joogeen, cajaladii ayuu mid ka mid ah ragii uu u dhiibay tarjubaankooda
kadibna baabuurkoodii ayay ku baxsadeen labadii nin.
Markaa ka dib ayaa cajalada la daarey waxaanna ku duuban, Saddam Hussein
oo khudbadiisa ku bilaabay aayad qur'aan ah wuxuu hadlayay muddo shan iyo
toban daqiiqo ah, madaxwaynihii hore ee Ciraaq, wuxuu dadkiisa ugu baaqay
in ay qaadaan dagaal dhulka hoostiisa ah oo ka dhan ah ciidamada
Maraykanka ee ku soo duulay dhulkooda.
Wuxuu ku dhiirigaliyay in ay ku laabtaan wax uu ugu yeedhay nidaamkii
sirta ahaa ee halganka ee ay noloshoodu ku bilaabatay, oo ay ka mid yihiin
halkudhegyo lagu qoro darbiyada, bannaanbaxyo ka dhan ah cadowga oo la
oogo, in la weeraro ciidamada Maraykanka, la diido in wax laga gato ama
laga iibiyo iyo wixii la mid ah.
Codka cajalada ku duuban waxaa ka muuqday daal, iyadoo uu dhowr jeer
qufacay.
Weriyayaashu, waxay cajalada u daareen dhowr qof oo Ciraaqiyiin ah, waxaa
inta badan ay isku raaceen in ay suurtagal tahay in codku uu yahay kii
Saddam Hussein balse aan boqolkiiba boqol la hubin in uu isagii yahay.
Waxaa xaqiiqo ahayd in codku uu ahaa mid dadka dhagahooda soo jeediyay oo
ay yaqaaneen, dadkii meeshaa iska marayay ee maqlay cajalada way ku soo
leexdeen, waxayna waydiiyay raadiyaha uu madaxwaynuhu ka hadlayo.
Nuqul ay ka sameeyeen cajaladan ayaa weriyayaashu ay telefoonka
satellite-ka ah ku dhagaysiiyeen khubaro ku takhasustay aqoonsiga codadka,
waxaanay mar kale suurtagal ka dhigeen qubaradu in boqolkiiba todobaatan
ilaa sideetan uu codku yahay kii Saddam Hussein, ama uu yahay isagii ama
qof si aad iyo aad ah ugu cod dhow.
Hadaba hadii Saddam Hussein uu wali nool yahay, waaba uu nool yahaye, oo
sida uu sheegayna wali uu ku sugan yahay Dhul-waynaha Ciraaq, sidee
Maraykanku u dareemayaa dareemayaa?
Charles Owens oo ka tirsan taliska Maraykanka ee Xarunta Dhexe ee Doxa
ayaa ka jawaabaya.Waxaa uu yidhi "Hogaamiyihii rajiimka xukunka waa laga
tuuray, awood ma hayso, ma soo qaadi karo weerar xoog leh ama wax uu iska
difaaci karo ma leh, wax dhib ay oo ay nagu hayso in uu nool yahayna ma
jirto."
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ciraaqna La Xoree, Somaliland-Na Is Xureeysay! |
Caalamku wuxuu maryaa meelihii uu ugu qaska
badnaa. Reer Ciraaq waxay dhex joogaan "Xoriyad" la muquuniyey. Soomaalida
inteeda badanna waxay ku dhex noolyihiin "Xoriyad" macnayaal fara badan
leh.
Somaliland oo ah gobol gooni isu taagay ayaa galay baal cusub oo
siyaasadeed iyo bulshadeedba. Somaliland waxaa ka dhacday doorasho aanan
ka dhicin inta badan dalalka Africa iyo kuwa muslimka ahba. Sida ay
sheegeyso hey'adda horumarinta ee Qaramada Midoobay-, UNDP, 9 waddan oo
islaam ah ayaa sheegta dimoqoraadiyad, halka 3 waddan oo kaliya eey si
rasmi ah ugu dhaqmaan.
Dabcan Somaliland cidna ma xisaabsaneyso, ha yeeshee waxay ila tahay in la
soo gaadhay waqtigii la xisaabsan lahaa! Soomaali fara badan ayaa qoraallo
fara badan ka qoray arrinta Somaliland. Waxaa kawada muuqatay inta badan
ineey ama hinaaseysan yihiin, ama xaasid yihiin.
Walaalkey Amiin Caamir ayaa kamid ah. Waxay ila tahay inaan si xushmad leh
u khilaafo saaxibkeey, sawir gacmeedka caanka ah ee uu ka sameeyey
doorashaas. Kaas oo qeexaya in woxoogaa laaluush ahi meesha soo galay.
Anigu xitaa Ayeyadeey kama soo jeedo somaliland. Ha yeeshee Soomaali runta
alle ku ogyahay baan isku arkaa. Somaliland lama xoreynine, weey is
xureysay! Dadka reer Soomaaliland Matoorka saarani waa mid lamid ah midka
saaran dadka waddamada horey u maray. Sida Plato & Artistortle-
Siyaasiyiin qadiim ah oo reer Giriig ahaa- eey isku raacsan yihiinba,
Dimoqoraadiyadu waxay timaadaa marka laba arrimood laga helo bulshada
dimoqraadiyad doonka ah. (A) Aqoonyahanno mug leh (B) Xeyn kamid ah
bulshada oo dhaqaale ahaan iska ladan. Sababta eey sidaas u yidhaahdeen
macnayaal fara badan ayaa loo sameeyey.
Horta qofku marka uu cilmi leeyahay wuxuu dareemayaa, isla markaana
dhadhansanayaa nafciga nolosha. Midda labaad, Qofku marka uu lacag
leeyahay wuxuu aad u necbaanayaa in xasilooni darro iyo maamul xumo dhacdo.
Taas ayaa ku khasbeysa inuu taageero "maamul dimoqraadi ah" ayey
yidhaahdeen.
Haddaba, Somaliland waxay ku guuleysatay ama hanatay ugu yaraan dhanka
aqoonta. Somaliland waxeey leedahay mutacalimiinta ugu sareeysa Soomaaliya
oo dhan. waxaa ka socda mashaariic kala duwan oo waxtar weyn u leh
bulshada. Dhanka dhaqaalahana, ma hubo ineey dhaqaalo weyni meesha yaal.
Ha yeeshee hubaal waxaa ah ineey gacanta ku hayaan ganacsiyo caalami ah oo
aanay Soomaalida kale heysan. Somaliland ugu yaraan waxay ka xoroowday
maskaxda.
Sidoo kale, waxay la jaanqaaday dowladaha horumaray ee dayaxa korkooda
dilaaliinta ku leh, oo boosas 20/20 ku kala iibinaya dhulka korkiisa!
Somaliland waxay caalamka u cadeeysay ineey noqon karto jiritaan ka maarma
gurigoodii hooyo ee Soomaaliyeed. Anigase waxay ila tahay inaan u
baahannay Somaliland, ka badan inta aan u baahanahay dadkale, noocay
doonaan ha noqdeene. Hadii eey taladeyda tahayna, Waxaan Soomaaliya u
dhiibi lahaa "Hogaamiye shicib ah" oo reer Somaliland ah. Sida Ciraaqba
mid Mareykan ah oo shicib ah loogu dhiibay! Waxaan amri lahaa in
mutacalimiinta Soomaaliland iyo siyaasiyiintoodaba u furaan soomaalida
kale koorso degdeg ah oo lagu barto "Maamulka iyo Maareynta".
Intaas waxaa sii dheer, Waxaan reer soomaaliland u dhiibi lahaa duruus
lagu barto sida shacbigu ugu hoosnoolaado Madaxweyne ka soo jeeda qabiil
laga tiro badan yahay. Lagabana yaabee in aan u sameyn lahaa "Waaxda u
carbinta isu dulqaadashada qabiilada"!
Ugu danbeystii, Soomaalida inteeda kale waxaa la gudboon ineey dib u
liqaan, isla markaana u bogaadiyaan walaalohood Somaliland ee 80-ka cod ku
kala baxay! Yaanan waxba la xasdin dadkaase, in lagu dayado ha la'isku
taxallujiyo.
C/raxman Ceynte, Minnesota.
Ceyntejournalist@attbi.com
Top
Dedaal La’aanta Dimuqradiyada Iyo Duufanada Shuuciyadda Ee Qarniga. |
Bilawgii qarnigan loogu yeedho (milleniumka)
waxaa isdaba cararaayey xirfado ama aan si kale u dhigo eh hindisayaal aan
ab iyo isir midnaba wadaagin, wuxuu ku bilaabmay cahdi Aabo u noqday Gacmo
iskula tag iyo aniga ayaa kaa xoog weyn (Monopolism), ka soo bilaw
akhristow seddex sanno ka hor markii sida aan kala go,a lahayn loogu
dabaal degaayey qarnigani cusub ee Milleniumka ayaa waxaa Madaxweynahii
hore ee dalka maraykanka Bill Clinton wuxuu yidhi "waa in ay
dimuqraadiyaddu noqoto mid sida xaamiga dabaylaha u dul marta bedweynta
pacific ga iyada oo lagu sandulayn doono dawladaha madaxa adagleh ee aan
ogolayn inay qaatan" dhadhansiga iyo nacawda aan samirka iyo siifada ay
wadato dimuqradiyado ayaa runtii waxay noqotay mid u dhadhami wayday
Aabayaasha Hantiwadaaga kelitalinimo ee ka jira dunida dacaladeeda dagalyo
ka tirsan.
Akhristow, qaar kalana waxay u noqotay agab ay u mahad naqaan taasi oo ay
farta ku fiiqeen falaadho sannado badan ku mudna, sandulayntii dawladda
maraykanku hindistay waxay dhashay in dhaawacii inta aadamaha ku dhaqan
dunidu ogyahay soo gaadha dalka maraykanka waxaa sannadkii 2001 bishii
september sida aad ka dheragsantahiin dhulka lala simay daarahii
dhaadheera ee isha u ahaa magaalada ganacsiga iyo siyaasadda ee Waddanka
maraykanka ee Newyork waa (world trade center) iyo gurigii gaashandhiga ee
maraykanka ee loo yaqiinay (pentagon), waxaana halkaasi ku naf waayey
kumanaan kun oo qof iyo balaayiin dollar oo runtii aan dalka maraykanka
abadan ka khasaarin xitaa cahdigii lagu jiray dagaalkii 2aad ee dunida,
George W. Bush iyo maamulkiisa Republicans ku waxay diiradda isla markiiba
saareen waddanka Afganistan, halkaasi oo uu saldhig ku leeyahay wadaadka
la yidhaahdo OSAMA BINLADEN, bishii september dabayaqadeedii ayaa waxaa
lagu soo dhaqaajiyey bedweynta loo yaqaano (Arab Sea) ee ku dheraran
gacanka carbeed 8 sedeed markab oo midkiiba xanbaarsanyahay inka badan
2000 oo diyaaradaha nooca loo yaqaano B52, iyo B2, isla horaantii bishii
october ayaa dawladda maraykanku iyo xulafadii ay hogaaminaysay waxay ku
bilaabeen dalka afghanistan garaac aan joogsi lahayn oo xagga hawada ah
iyada oo halkaasi ay ka geysteen khasaarooyin aad iyo aad u farabadan oo
naf iyo maalba isugu jira,waxaanay xukunkii ka tuureen maamulkii islaamiga
ahaa ee Taliban, balse nasiib darro kuma ay guulaysan in ay wadaadka ay
tuhmayeen iyo shabakadiisaba ay gacanta ku dhigaan, maamulka Bush iyo
xisbigiisa Republican party, waxay ku faanan hadda inay rukunada ugu
aaseen dalka Afghanistan dawlad si dimuqradiyad ah loo doortay, halkaasi
oo ay ka sameeyen saaxiib dimuqradiyadeed oo cusub.
Isla sannadkan aynu ku jirno bishii april ayaa dawladda maraykanku waxay
soo hor dhigtay golaha amaanka ee qaramada midoobay qaraar dhigaaya in
xoog loo isticmaalo waddanka Ciraaq, kelitalinimadii 25 jirsatay ee Saddam
Xuseen na lagaga takhaluso waxaa masuuliyinta dalka maraykanku ku
tiraabeen inay ka samaynayaan waddanka ciraaq Nidaam bedel (Regime
change), isla sannadkani bishii march 22 keedii ayaa ciidamada maraykanka
oo ay is kaashanayaan xulafadiisa waddanka Britain waxay dagaal ku qaadeen
waddanka Ciraaq, waxayna muddo 24 cisho gudohood ah kaga takhaluseen
nidaamkii 25 sanno ka badan ka talinaayey waddanka ciraaq ee saddam xuseen,
isla markiiba waxaa loo magacaabay Jeneraal ka tirsan ciidamada maraykanka
oo Retired ah inuu dhiso saaxiib cusub oo dimuqradiyadeed kaasi oo indho
caafimaad qaba ay dalka maraykanka isku eegaan, akhristow waxba yaanan
hadal kugu daaline markaad dhinaca kale ka eegto qarnigani wuxuu ka tegay
Siffo aad iyo aad u weyn oo lagu xasuusan doono, waxaa darmantii
dimuqradiyadu cagaha hadda soo dhigtay cidhifka beri ee qaaradda africa
waa dal yar oo muddo ka badan 30 sanadood ku go,doonsana Nidaam
kelitalinimo hoosteed.
Balse su'asha akhriste la isweydiin kara ma tahay 12 sanno oo ay xorriyadd
haysteen Somaliland shacbigeedu, ma la odhan karaa isbedel horleh oo loogu
abaal gudo dhiigii u daatay iyo maatidii u nafwayday ayaa la sameeyey
runtii jawaabta su'aashaasi oo fudud wuxuu noqonaya maya maya maya, waxaa
kale oo taalla meesha dadkii u dagaalamay ee xoreeyey mansab intee le,eg
ayey ku yeeshen Jamhuuriyaddii lagu dhawaaqay 18 May 1991?
Akhristow 12 kii sanno ee dalkani jiray waxaa ka talinaayey dalka dad aan
shacbigu u baahnayn, waa wajiyo ku barbaaray aafaynta hawraarta
siyaasadeed iyo hindisayaasha dimuqradiyadeed ee la dejiyey, waxaa dalka
ka hirgelay axsaab siyaasadeed oo runtii la odhan karo waxay matali karaan
hanaan dimuqradiyadeed balse nidaamka hadda dalka ka taliya sideebu u
dhaqmay codayntii shacbigu ay codkooga ka dhiibteen?
Runtii waxaa lala bar bar dhigi karaa ficilkii ay ku dhaqaaqeen kal hore
doorashadii uu Saddam Xuseen ka abaabulay dalka ciraaq taasi oo uu
tusaayey beesha caalamku sida dadkiisu u jecelyahiin, taasi oo sida lagu
dhawaaqay 100% ay shacbiga reer ciraaq doorteen Saddam Xuseen inuu ahaado
madaxweynaha dalka ciraaq abadan inta noloshooda ka hadhay xisbul bacath
kii shuciga ahaana abadan uu ku waaro hogaaminta dalka, ciraaq,
codbixintaasi oo loo adeegsaday kuna koobnaatay oo keliya dhawr boqol oo
qof oo keliya kuwaasi oo matallay 17 milyan ee ciraaqiyiinta ah.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
Top
Xaaladda Ardayda Somaliland Ee India. |
Sida lala socdo dalka india waxa laga helaa
waxbarasho aad u wacan waxaana kunool dalka india dad somalilanders ah oo
ka kala yimaada dalka dacaladiisa,dadkaas oo hela wax barasho sare sida
maadooyinka business ka iyo medicine ka iyo computers ka halka qaarna ka
helaan engineering ka kala duwan.
Dadka somalilanders ka kunool dalka india oo ah dad isku duuban ayaa waxa
ay majority ahaan u degaan magaalooyinka hyderabad iyo madras oo ay kaga
badan yihiin somalida kale madras oo ah magaalo aad uga wacan xaga wax
barasho kana weyn magaalada hyderabad.
Ardayda amaba jaamiciyiinta somaliland waxa ay aad u jecelyihiin dalkooda
ayaga oo xata ku qorta mootooyuinkooda calkan ka dalka somaliland iyo
magaca dalka.halkaas oo aad ka dareemayso jaceelka ay u qabaan dalkooda
halka aadd ka arkaysid dad ku odhanya dalkii shaqo malaha amaba aan ku
qanacsaneen doorashadii dhoweeyd.
Dhinaca kale dadka somalilanders ka ee kunool dalka india waxa ay qaar ka
guursadaan dadka muslim ka ah ee india,taas oo keenta isku soo dhawaan sho
wacan ,.nolosha dalka india ayaa ah mid aad u jaban oo u dhow tii dalkeena
somaliland,waxaana kula talainaynaa dhalinta somaliland ee awooda inay
waqtiga ka faaidestaan.
Ardayda somaliland ee kunool dalka india ayaa la sameeya wanaag wada
noolaansho dadka ka yimaada somalia,iyaga oo ula dhaqma sidii dad ay beri
ahaayeen walaalo maantase jaar yihiin aadna u ixtiraama,wayna na amaanaan
nabad aanu gaadhnay runtii.
Wax barashada dalka india wa mid aad u jaban maadooyinka qaar laakiin
waxaa jira maadooyin qaliya ,inkasta oo kuwa somalilanders ku galaan ay
yihiin qaar sare iyo kuwa dhexeba waxaa muhiima qofku waxa uu jecel yahay
inuu galo.
Magaalada koonfurta ku taal ee madras waxa kunool dad dhan 35 oo
badankoodu yahay somalilanders magaaladaas oo aad u kulul xiligan oo leh
xeeb aad u dheer amaba xeebta 2aad ee aduunka u dheer aya waxaa kunool dad
u eg african oo tamils la yidhaahdo, Madras waxa ay leedahay jaamacado aad
u da weeyn oo ay dhiseen ingiriisku waxaana laga helaa wax barasho kasta.
Ardayda Somalilanders ka ee madras waxa ay aad ugu dadaalaan wax
barashadooda waxa sanadkan 2003 dhameestay jaamacda Madras arday
somalilanders ah oo gaadhaya ilaa 8 arday ah sanadka soo socdna waxa ka
qalin jabinaya wa ila 15.
Waxa aan aad ugu soo jeedinaya dhalinta Somalilanders ka inay waxbarasho
wacan ku fikiraan waxaana aad ugu dhiiri galainyaa inay jaamacada dalka
wax ka bartaan.
Abdulfatah Sheikh Omer Arale, Madras University, India.
Top
Somaliland Gefbay Ka Galeen Komishanka Iyo Qarankaba. |
Aniga oo ah muwaadin somalilander ah kana soo
jeeda G/Awdal Degana Degmada Boorama,waxaan halkani kaga jawaab celinayaa
maqaalka cadadkiisu yahay 323 ee soo baxay ee soo baxay Jimcihii 2/05/03
laguna dhaliicaynaayay komishanka qaranka iyo natiijadii doorashada ayna
soo qoreen niman isku tilmaamay qurba jooga dibada uga yimiday doorashada
Hadaba,marka hore ma waxay u yimaadeen soomaaliland mise Xisbiga Kulmiye
sida hadalkooda ka muuqata, hadii ay u yimaadeen soomaaliland, waxaan
leeyahay s/land waa ay ka dhacday doorasho xor ah xalaal ah, sababtoo ah
kama ay dhicin wax rabshado ahi haba yaraatee taasaana tilaami karta in ay
xor ahayd. Hadaba maxaa u muuqday nimankani goob joogayaasha ah ee ku
tilmaamay ama shikaga ka muujiyay go’aanka maxkamada sare yidhina (Go’aanka
maxkamada sare laga sugayaa meesha ma ka saari doonaa mugdiga komishanku
natiijada galiyay),waxaan leeyahay waa denbi maxaa yeelay maxaa ay ku
cadaynayaan mugdigaasi, miyaanayse ka galin komishanka qaranka ee dhaarsan
denbi Ciqaab ah hadii ay cadayn waayaan) Si kastaba ha ahaatee qolyahan
jaaliyadaha hal baan leeyahay,komishankana hal baan leeyahay,guurtida iyo
baarlamaankana hal baan leeyahay, shacbigana hal baan leeyahay,
saxaafadana hal baan leeyahay.
a) Qurba jooga hal baan leeyahoo, waar hadaad u timaadeen Somaliland mid
ah,doorashadii waa ay dhacaday waxaanay ku dhacday nabad galyo, waana lagu
dhawaaqay doorashada qaybteedii koowaad, qaybta labaadna maxkamadaa laga
sugayaa, hadaad kulmiye ahaydeena wuu dhamaaday kaambaynkii kulmiye waana
ay cadaatay in aad hiilimaadka kulmiye u timaadeen iyo u codayntiisa,
maxaad ugu hadli waydeen hadaad tihiin jaaliyad Soomalilander ah ururada
UCID iyo UDUBa, miyayna Somaliland ahayn, waxaanse filayaa in aad kaliya u
timaadeen xaflad Kulmiye kula wareegaayo dalka taladiisa, taasina markaad
waydeen idiin cuntami wayday idinkuna noqotay af kala qaad (markaasi hadii
kulmiye waayay cadaaladi ma dhicin miyaa?).
b) Komishankana hal baan leeyahay waxaad qabateen wixii la idiin igmaday
dhibna idinka soo gaadhay, hadaad gafteen Ilaaha wayn u toobad keena,
hadaad xaq soorteena xamdiya alaha wayn,hadalka dadkana maqla waxaad u
tihiin komishan qaran (Garina laba nin kamawada qosliso).
c) Guurtida iyo baarlamaanka hal baan leeyahoo (nimankani qurba jooga ee
dusha idinkaga dhacay xaal ka qaata(waxay sitaan baasabooro shisheeye
barayna baxayaan masaakiintayna rabaan in ay nabada ka kala tuuraan
shacbigu se waa idiin hayaa hawsha aad haysaan dulqaad muujiya maxaa
yeelay waxaad tihiin odayaashii qaranka).
d) Shacbiga mid baan leeyahoo (Shacbiyahaw nimaan kuu furi doonin yaanu
kuu rarin) waxaan uga jeedaa dadka saxaafada isku waydaarsanaaya waan is
naqaan iyo waan is naqaan Dooxa Hargaysa hala isku geeyo, haday is
yaqaaniin iyo hadii kaleba laakiin waad taqaanaan maanta nabad iyo colaad
inta ay isku jirto.
e) Saxaafada hal baan leeyahoo waar waxa aad qoraysaan yaanay noqonin mid
la isku waydaarsado rarasaas maxaa yeelay (afbaa bilaale bixiya).
C/Naasir Yuusuf, Boorama, Awdal Region, Somaliland.
Top
Shacbigu Wuxuu Sugayaa Go’aanka Maxkamadda Sare. |
Sidaynu wada ognahay 19-kii April waxa lagu
dhawaaqay natiijaddii doorashada Somaliand waxaana loogu dhawaaqay UDUb
laakiin xisbiga KULMIYE ayaa ku gacan saydhay dhawaaqaa komishanka.
Haddana in yar ka dib ayuu soo bandhigay cadaymo muujinaya inuu kaga
guulaystay 76 cod xisbiga UDUB, taasi oo uu ogaa gudoomiyaha komishanka
Mr. Cadami waxa kale oo Cadami sheegay in uu khaldami karo, laakiin wuxuu
sheegay in aanay ka noqonayn go’aankii hore imika waxa la sugayaa go’aanka
rasmiga ah ee lagu kala hadhayo, iyada oo ay dacwadi ka socoto maxkamadda
oo labada dhinacba sheeganayaan in la qalday oo wax ka maqanyihiin taasi
oo hadaan wax laga qaban keeni karta dhibaato weyn oo dhinac walba ah
marka waa in maxkamaddu si cadaalada u kala saartaa labada xisbi ee UDUB
iyo KULMIYE waliba waa in maxkamaddu si gaara u eegtaa cabashada weyn ee
xisbiga KULMIYE labada xisbina waa in aanay ku dhaqaaqin talaabooyin
nabada wax u dhimaya.
C/Risaaq C/laahi Ismaaciil, Hargeysa.
Top
Natiijadda Doorashada Ee Khilaafka Keentay Hala Tir-Tiro. |
Sida ay xisbiyaddu ku doodayaan, iyo sida uu
komishanku ku dhawaaqay is khilaaf weyn ayaa u dhaxeeya, labada gobol ee
Sanaag iyo Togdheer natiijooyinkoodii khaladaad badan ayaa ka muuqda. UDUB
waxa ay leedahay 142 ayaa KULMIYE dheeri ku ah tirooyinkoodii Ceerigaabo,
KULMIYE_na waxa ay leeyihiin 133 cod ayaa naga dhiman Gobolka Togdheer.
Khaladka badan ee ku jira tirooyinka codadka ee goobaha wadanka ee
shaxaysan midna.
Doodahan xisbiyadda waxay ku cabanayaan uun xisaabaadka ka maqan xisbi
kasta, balse marka la isku geeyo goob kasta intii kaadh ee la geeyey,
intii xumaatay intii soo hadhay iyo intii ay xisbiyadu heleen, oo gudubka
xisaabta ah ayaa khaladaad badani ku jiraan.
Imika marka xiliggan heer maxkamadeed la soo gaadho ee khaladaadka
xisaabeed soo baxeen komishanku dhex ma noqon karaan si ay isu difaacaan
ayey cidna ugu eexan karaan, cidna u dulmi doonaan.
Sanaaduuqdiino dib maxkamddu uma tirin karto, sanaaduuqdana waxaa weli
gacanta ku haya komishanka oo qudha, haddii aanay caadiliin ahayna waraaqo
way ka saari karaan. Saxeexii inamadii yaryaraa ee muraaqibiinta ahaana
laguma kalsoonaan karo.
Khilaafkuna cirka ayuu isku shareerayaaye maxaa xal ah?
Warkii ku qornaa wargeyska Jamhuuriya 8-dii May ee ku saabsanaa
jawaab-celintii komishanku u diray maxkamadda sare, waxay komishanku
cadeeyeen in tirooyinkii xisbiga UDUB ee magaalada Boorama ay dheeri ku
tahay 27 cod, waxa kale oo ay qireen in 7 cod ay dheeri ku yihiin UDUB
degmada Gar-Adag, khaladkaas oo uu hore u sheegay xisbiga KULMIYE markaas
haddii tirooyinkaas laga jaro natiijadii hore loogu dhawaaqay ee UDUB 80
cod guushu ku raacday 46 cod ayey noqonaysaa tirada ay UDUB dheertahay
xisbiga KULMIYE.
Haddaba haddii khaladka intaas leegi ee 34 cod ah uu qirtay komishanku,
waxa lagu kala guulaysanayeyna ay ahayd hal cod dheeri qudha waxa halkan
inoogu muuqanaysa in khal-khal weyn uu ku jiro natiijaddii doorashooyinka
ee lagu dhawaaqay, komishankuna uu imika is-difaac laftiisa ah uu galay
balse ay khaladaadka ku jira natiijaddu ay intaas ka badan yihiin.
Ceebaha ka muuqda natiijadda doorashooyinka waxa ugu weyn sanduuqa soo
gurguurtay min Balicalanle ilaa maxkamadda sare. Kaas oo haddii la tiriyo
iyo haddii la laalaba khilaaf weyn dalka ku abuuri kara, sanduuqaas oo la
tirtiro iyo doorashada oo gebi ahaan la tirtiro waxa inoo roon, doorashada
oo la tirtiro.
Xilligan oo aynu ku jirnay xaalad kasoo bogasho nabaraddii colaadii
sokeeye iyo is-dhexgal ay bulshadu kaga talaabsatay xuduudihii qabiiliga
ahaa ama colaadaha ahaa.
Bogsashadaas oo aan si buuxda u hirgelin ayeynu bulshadii xaaladaas ku
jirtay ku dhex tuurnay loolan xisbiyeed oo aanay qaadi karin bisayl ahaan
aragtida maanta dhextaala shacbigeenu waxa weeye inay jiraan xisbiyo
beeleedyo inoo bedelay shir-beeleedkii iyada oo weliba shirbeeleedku ka
kharash yaraa kana khalkhal yaraa loolanka xisbiyadda iyo tirinta codadka
lagu kala guulaystay.
Cali Dool Axmed (Qoryoolay), Hargeysa.
Top
|