BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Natiijada Doorashada Hala Ixtiraamo. Maxkamadda Sare Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Xisbiga UDUB
Uu Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtinimada.
“Khasaaraha Ugu Weyn Ee Inagu Dhici Karaaa Waaa Axsaabta Oo
Baaba’da …” C/Qaadir X. Ismaaciil (Gudoomiye Xigeenka Wakiilada).
Dareenka Iyo Jawaabaha Laga Bixiyey Go’aanka Maxkamadda Sare.
Odhaahda Akhristaha: Hala Dhiso Dawlad Wadaag ah.
"Nin sigtay ma nabad gelin."
Shacbigu Wuxuu Idiinka Fadhiyaa Waxqabad.
Nin Xil Qaaday Eed Qaad.
Waadiga Ciyaaraha.
|
|
BADHEEDHAHA
WARGEYSKA: Natiijada Doorashada Hala Ixtiraamo. |
Maalintii shalay ayay maxkamadda
sare si rasmi ah ugu dhawaaqday go’aankii rasmiga ahaa ee natiijada
doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday 14-kii April, go’aankan oo
muddo la sugayay waxay maxkamaddu xaqiijisay guushii xisbiga UDUB uu ku
gaadhay natiijadii hor-dhaca ahayd ee ay soo saareen Guddiga
doorashooyinku 19-kii April, taasoo ay ku sheegeen inuu xisbiga UDUB kaga
guulaystay xisbiga KULMIYE tiro 80 cod ah.
Inkasta oo aanay maxkamadda sare faah-faahin siyaado ah ka bixin sababaha
ay ku salaysay go’aankeeda haddana waxay ku dhawaaqday inuu xisbiga UDUB
ku guulaystay doorashadii madaxtinimada. Natiijada oo isku dhoweyd ayaa
keentay in labada xisbiba ay guusha qoondaystaan, gaar ahaana xisbiga
KULMIYE oo isagu aan ku qancin natiijadii hor-dhaca ahayd ee ay Guddiga
doorashooyinka qaranku ka soo saareen doorashada, balse waxa ay
taageerayaasha KULMIYE filayeen in ay maxkamadda sare iyaga siin doonto
guusha kama dambaysta ah, waxaana la odhan karaa go’aanka maxkamaddu waxa
uu lama-filaan ku ahaa taageerayaasha KULMIYE.
Si kastaba ha ahaatee, waxa cad in labada xisbi midna aanu helin aqlabiyad
ballaadhan oo uu ka kale kaga horreeyo, maadaama ay natiijadoodu aad isugu
dhowdahay, sidaa darteed arrinta ugu horraysa ee loo baahan yahay waa in
aanay natiijada lagu dhawaaqay wax u dhimin nabadgelyada iyo xasiloonida
dalka iyo in laga digtoonaado fal kasta oo wax u dhimi karaya wada-jirka
iyo isku-duubnida umadda reer Somaliland, lana wada ilaaliyo jiritaanka
qaranimada Somaliland, maadaama uu aad u badan yahay cadawga dalkani
leeyahay, isla markaana aanay jirin tallaabo kale oo aan ahayn in
natiijadan lagu wada qanco.
Waxaynu odhan karnaa is-qaddarinta iyo isu-tanaasulku waa waxa keliya ee
ay ammaanta ku leeyihiin siyaasiyiinta Somaliland, taasoo caado u soo
ahayd siyaasiyiinta tan iyo markii lagu jiray halgankii SNM, iyada oo ay
xilkii guddoomiyaha isku beddeleen 6 guddoomiye, oo aanay marna dhicin in
laga garab sameeyo guddoomiye kale ilaa inta uu xilku ka dhammaanayo ama
si sharci ah looga beddelayo.
Arrintani waata aynu dheernahay dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo ay
qalalaasaha ugu wacnayd dhawr hoggaamiye oo is barbar ordaya inay jiraan
marka la eego urur kasta oo ka jiray koonfurta Somaliya, taasina waa mid
ilaa hadda jirta oo ammaan gaar ah ay ku mudan yihiin siyaasiyiinta
Somaliland sida uu dhowaan sheegay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed
Siilaanyo markii la weydiiyay waxa uu xisbiguu yeeli doono kadib markii
lagu dhawaaqay natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd, isagoo sheegay in
Somaliland aanay marnaba noqon doonin sidii Cali Mahdi iyo Caydiid ee mid-ba
xukuumadda goonida ah kaga dhawaaqay Muqdisho.
Shaki kuma jiro in xisbiga KULMIYE uu gaadhay guul fac weyn, oo uu la
tartamay xisbi gacanta ku haya dhammaan awoodihii dawladeed ee ay ahayd in
dadku u sinaado, balse aanay haddana isaga iyo UDUB waxba la kala tegin oo
run ahaantii ay bar-baro noqdeen, taasoo uu KULMIYE ku guulaystay inuu
maanta noqdo xisbiga ugu qaddarinta iyo tixgelinta badan ee ka jira dalka
jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas oo ay tahay, haddana marka la eego habka
ay doorashadu u dhacday, may dhicin ku shubashadii laga cabsi qabay.
Sidaas darteed xisbiga KULMIYE waxa looga fadhiyaa inuu ixtiraamo
karaamada dalka oo uu u hoggaansanaado natiijadii doorashada ee shalay
maxkamadda sare ku dhawaaqday.Top
Maxkamadda Sare Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Xisbiga UDUB Uu Ku
Guulaystay Doorashadii Madaxtinimada. |
Hargeysa (Haatuf): Maxkamadda Sare ee
Somaliland, ayaa shalay ku dhawaaqday go’aanka kama-dambaysta ah ee
doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka. Go’aankaas oo ay
Maxkamaddu ku taariikhaysay Maarso 11-5-2003, tirsigiisuna ahaa 122, waxay
Maxkamaddu ugu yeedhay qaraarka ku dhawaaqida natiijada kama-dambaysta ah
ee doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka J/Somaliland.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo qaraarkaa akhriyay wuxuu yidhi, “Maxkamadda
Sare maarso qaraar 122/2003, taariikhda 11-5-2003, ujeedo qaraarka ku
dhawaaqida natiijada kama-dambaysta ah ee doorashada Madaxweynaha iyo
Madaxweyne Ku-xigeenka J/Somaliland. Maxkamaddu markay aragtay qoraalka
sumadiisu tahay komishanka doorashooyinka qaranka-100-8 ee 2003, kuna
taariikhaysan 27/4/2003 ee ka soo baxay xafiiska guddida doorashooyinka
qaranka ee J/Somaliland. Ujeedada qaraarkaa oo ah ku dhawaaqida natiijada
ku meel-gaadhka ah ee tartanka doorashada ee ay ku soo lifaaqeen shaxda
natiijada ku meelgaadhka ah ee doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne
Ku-xigeenka. Markay aragtay qoraallada raad-raaca asalka ah ee
doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka. Markay aragtay
qoraallada raad-raaca ah ee asalka ah (original) ee xafiisyada
doorashooyinka gobollada ay u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, kaas oo
waafaqsan qodobka 58aad, xubintiisa 2aad ee xeerka doorashooyinka. Xeer
lambar 20/2001.Markay aragtay qodobka 65aad xubintiisa 2aad ee xeerka
doorashooyinka lambar 20/2001 oo qeexaya. Maxkamadda Sare markay hesho
qoraallada raad-raaca ah ee xafiisyada gobollada ee doorashada iyo kuwa
xafiiska dhexe ee komishanka, isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci
ahaan doorashada in ay ku dhawaaqdo natiijada kama-dambaysta ah ee
doorashada Madaxtooyada. Markay aragto qodobka 83aad, xubintiisa 4aad ee
dastuurka Somaliland oo qeexaya in loo aqoonsanayo in ay doorashada
Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku guulaysteen labada qof ee
magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.
Markay aragtay qodobka 1aa ee xeeka doorashooyinka ee lambar 20/2001 oo
qeexaya doorashada waxaa loo la jeedaa kala saarista musharixiinta u
tartamaya xilalka, iyadoo lagu go’aan qaadanayo aqlabiyada codadka dadka
ay khusayso. Markay aragtay qodobka 22aad ee xeerka doorashooyinka lambar
20/2001 oo qeexaya doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo
noqonaysa habka aqlabiyada hal-dheeriga ah (Majority system). Markay
aragtay qodobka 35aad ee xeerka doorashooyinka ee lambar 20 oo qeexaya
shuruudaha musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka in ay
ahaadaan kuwo ku tilmaaman qodobka 64aad xubintiisa (a) iyo qodobka 14aad
xubintiisa 5aad ee xeerka doorashooyinka lambar 20/2001. Markay deristay,
hubisay xisaab ahaan iyo sharci ahaanba, dhammaan qoraallada raad-raaca ah
(original) ee xafiisyada doorashooyinka gobollada iyo natiijada ku
meelgaadhka ee ay ku dhawaaqeen 19/4/2003, Maxkamadda oo ay u soo ifbaxday
faraq u dhexeeya natiijada ku meelgaadhka ah ee guddida doorashooyinka
qaranka iyo qoraallada raad-raaca asalka ah ee xafiisyada doorashooyinka
gobollada, faraqaas oo sida uu ku yimi ay ku caddahay, lifaaqa shaxda
natiijada kama dambaysta ah ee Maxkamadda Sare, sidaa darteed Maxkamadda
Sare waxay soo saartay qaraarkan hoos ku qoran:
1. In saddexda xisbi ee kala ah KULMIYE, UDUB iyo UCID oo u tartamaya
doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka J/Somaliland ee
qabsoontay 14/4/2003 uu mid waliba codadka guud ahaan doorashada ka helay
ay yihiin;
Xisbiga UDUB 205,590 cod.
Xisbiga KULMIYE 205,373 cod
Xisbiga UCID 77,160 cod.
2. In tartanka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dalka
Jamhuuriyadda Somaliland ay ku guulaysteen musharixiinta xisbiga UDUB oo
kala ah; Daahir Rayaale Kaahin oo ku guulaystay jagada Madaxweynaha iyo
Axmed Yuusuf Yaasiin ku guulaystay jagada Madaxweyne Ku-xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Muddada xilka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynuhu waa shan (5)
sannadood oo ka bilaabmaysa muddada xilka loo dhaariyo. Sida ku cad
qodobka 88aad xubintiisa 7aad ee dastuurka Somaliland.
4. Qaraarkani wuxuu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 11/5/2003.”
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dacwadaha natiijada doorashooyinka
qaaday ee soo saaray qaraarkani waxay kala yihiin:
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Dr. Siciid Faarax Axmed.
C/raxmaan Yuusuf Cayuun, xubin.
Sheekh Cali Cabdi Guuleed, Xubin
Cismaan Ismaaciil Axmed, xubin
Maxamed Cumar Geelle, xubin
Yaasiin Xasan Ismaaciil, xubin
Cabdi Cilmi Xasan, xubin.
Top
“Khasaaraha Ugu Weyn Ee Inagu Dhici Karaaa Waaa Axsaabta Oo Baaba’da
…” C/Qaadir X. Ismaaciil (Gudoomiye Xigeenka Wakiilada). |
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiye ku xigeenka
koowaad ee golaha wakiiladda Mudane C/Qaadir Ismaaciil Jirde ayaa
natiijaddii doorashada ee ay maxkamadda sare shalay soo saartay ka dib
walaac ka muujiyey jiritaanka xisbiyadda mucaaradka ee mustaqbalka dambe
sidaana waxa uu ku cadeeyey waraysi khaas ah oo uu xalay siiyey wargeyska
Haatuf, kaas oo uu ku sheegay in dhibaatadda ugu weyn ee marxaladdan tahay
in xisbiyadda mucaaradka ah ee siyaasiga ah ay baabi’i doonaa haddii aan
laga shaqayn wadadii ay ku sii jiri lahaayeen isaga oo arrintaa
faah-faahinayana wuxuu yidhi “xisbiyadda mucaaradka ah haddii aan talada
go’aaminta siyaasadaha dalka laga qayb gelin ama doorashada baarlamaanka
hore loo soo dhigin si ay xubno metela ugu yeelan lahaayeen waxa suurta
gal ah inay iska baaba’aan.”
Mudane Jirde waxa kale oo uu intaas ku daray in haddii aan xisbiga
mucaaradka ahi helin saaxaddii uu ku meel marin lahaa kuna cabiri lahaa
afkaartiisa iyo muwaaqiftiisa hadday tahay dhinaca siyaasadeed, dhaqaale
iyo bulshoba aanu xisbigaasi ka duwanaan doonin marfashyada suuqa ee wax
lagu mucaarido wuxuuna yidhi “khasaaraha inagu dhici karaa waa axsaabta oo
baaba’a”.
Mar uu ka hadlayey ka mid ahaanshaha golayaasha xisbiyada wuxuu yidhi
“waxa mashaakil ah in xisbi dhan oo 42% cadadkii dadka helay iyo mid kale
oo 16% helay cadadkii dadka aanu baarlamaanka waxba ku lahayn, tusaale
ahaan xisbiga UCID oo kale gudoomiyihiisu waxa uu noogu cawday in aanu
xubin keliya ku lahayn golayaasha.”
C/Qaadir waxa kale oo uu xusay isaga oo ka hadlaya baarlamaanka wakhtigan
jira kaas oo uu yidhi “Waxay ku yimaadeen qaab-beeleed oo kuma ay iman
hanaanka xisbiyadda badan” waxaanu intaa ku daray sida ay xisbiyada
mucaaradku uga qatan yihiin, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa in golaha
wakiiladda ay jirtay mucaaradnimo horseed ay ka ahaayeen xubno
taageersanaa ururkii ASAD kuwaas oo hadda badankoodu dhinaca kale isugu
baydhay, wuxuuna intaa raaciyey in aanay is-qabanayn xeer-dejiyayaal ku
timid qaab beeleed iyo hogaan fulineed oo dadku toos u soo doorteen.
Mudane C/Qaadir Jirde waxa uu hadalkiisa ku soo gebagabeeyey oo uu yidhi
“marka arrimuhu sidaas yihiin waxa iyaduna lagama maarmaan ah in lagu
kalsoonaado natiijadda doorashada ee lagu dhawaaqay sida ay ina farayaan
mabaadiida iyo hanaanka dimuqraadiyadda ku dhisan.”
Top
Dareenka Iyo Jawaabaha Laga Bixiyey Go’aanka Maxkamadda Sare. |
Hargeysa (Haatuf): Subaxnimadii hore ee shalay
waxa la xidhay dhamaan wadooyinka soo gala dhismaha maxkamadda sare ee
Somaliland, waxaana dariiqyadaa hoganayey cutubyo ka tirsan ciidamada
amaanka, kuwaas oo ku dhawaaqayey “Istaag”, noqo iyo ereyo kale, laakiin
marka la soo dhaafo ciidanka waxa iyana albaabka deyrka maxkamadda
wareegayey kooxo kale oo ka tirsan ciidanka amaanka, iyada oo ay dadweyne
kale fadhiyeen soo jeedka iyo hareeraha wadada ee agagaarka maxkamadda,
kuwaas oo u hanqal taageyey go’aanka maxkamadda laga sugayey. Balse
ciidankaasi waxay u ogolaadeen gudaha barxadda inay galaan saxaafadda iyo
xubno ka socday xisbiyadda, kuwaas oo ay si taxadar ah u baadhayeen,
laakiin waxa iyaguna barxadda gudaha maxkamadda ku sugnaa saraakiil iyo
masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha dawladda iyo laamaha kala duwan ee
ciidamada sida sirdoonka qaranka, nabad-sugida, asluubta, birmadka iyo
booliska.
Hase ahaatee gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa soo galay waxyar ka dibna
wuu baxay, laakiin cabaar ka dib markii uu soo laabtay gudoomiyaha
maxkamadda sare waxa loo yeedhay dadka loo ogolaaday inay dhegaystaan
go’aanka sida weyn loogu dhegtaagayey ee natiijadda rasmiga ah ee
doorashadii madaxtooyadda Somaliland ee loogu tartameyey madaxweynaha iyo
ku xigeenka oo maalintii khamiistii hore la dhagaystay dacwadaha ka
dhashay natiijadda ku meel gaadhka ahayd ee u dhaxaysay labada xisbi ee
UDUB iyo KULMIYE oo ku muransanaa natiijaddii hore ee ay komishanku soo
gudbiyeen maxkamadda sare, taasoo ay maxkamadda sare shalay ku dhawaaqday
ka dib markii ay dib u eegtay dacwadihii ka dhashay natiijaddii, waxayna
garsoorayaashu soo galeen maxkamadda iyada oo ay todobada garsoore
xidhnaayeen direyska garsoorayaasha, isla markaana waxa ku dhawaaqay
go’aanka gudoomiyaha maxkamadda sare Dr. Siciid Faarax oo sheegay inay
xisbiga UDUB ku guulaysteen musharaxiintoodu tirada codadka hal-dheeriga
ah oo ay guushu ku raacday 205590 cod, halka xisbiga KULMIYE uu helay
205375 sidaana lagaga guulaystay musharixiintooda, laakiin go’aanka
maxkamadda laguma qeexin faraqa u dhaxeeya labada xisbi, balse marka la
kala jaro tirada ay maxkamaddu ku dhawaaqday waxa u dhaxeeya 217 oo uu
xisbiga UDUB dheeryahay xisbiga KULMIYE, laakiin go’aanka maxkamadda sare
ka dib waxaanu wax ka weydiinay musharaxiintii labada xisbi, Madaxweyne
Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa musharaxa xisbiga guusha loogu dhawaaqay
ayaa yidhi “dhamaan kuwa I doortay iyo kuwaa aan I dooranba waxaan u ahay
madaxweyne waxaanu, madaxweyne Rayaale u hambalyeeyey shacbiga Somaliland
guusha ay gaadheen iyo sidii fiicnayd ee ay u codeeyeen.
Madaxweynaha oo la weydiiyey sida uu u arko guusha ay gaadheen xisbigooda
wuxuu yidhi “markastaba qaadirka Ilaahay ayaan ku xidhay, marnaba kuma
xidhin xariifnimo iyo karti dheeraad ah, midnaba inaan ku helo, waxaana u
arkaa qadarka Ilaahay inuu kaa noqday”. Madaxweyne Rayaale mar la
weydiiyey sida uu u kasban karo mucaaradka maadaama ay is-leegyihiin dadka
u codeeyey xisbigiisa iyo kuwa mucaaradka ah ee u codeeyey xisbiga ay isku
dhaweeyeen dhinaca codadka, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi
“Horta sharcigeenu wuxuu qorayo ayuunbaa la raacayaa, waxaana jeclaan
lahaa qolyihiinan warbaahinta inaad shuruucda akhrisataan, kuwaas ayaa
idinka jawaabi doona.”
Madaweynaha oo la weydiiyey qorshaha xukuumadda uu doonayo in uu dhiso
wuxuu sheegay inuu kaga warami doono khudbadiisa,laakiin mar la weydiiyey
waxa uu u soo jeedinayo xisbiga ay tartamayeen wuxuu yidhi “nin uun baa
guulaysan lahaa, haddii Eebe guusha I raaciyey, sidii aanu ku balanay
inaanu ixtiraano go’aanada sharciyadda, inaanu taa isku waafaqno oo aanu
isku gacan qaadno oo walaalo ku ahaano, tartankayagu wuxuu ahaa mid
walaalnimo ee muu ahayn mid cadaawadi naga dhaxaysay.”
Dhinaca kale musharaxii xisbiga KULMIYE ugu tartamayey jagada madaxweynaha
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay go’aanka maxkamadda sare,
laakiin Axmed Siilaanyo wuxuu saxaafadda u sheegay ka hor intii aanu ka
hadlin sida uu xisbigiisa u arko go’aanka in uu bixinayo hadal kooban,
balse wuxuu ka cudur daartay inaan wax su’aal ah la weydiin, wuxuuna
hadalkiisa ku bilaabay “haddii aanu nahay xisbiga KULMIYE waxaan jecelahay
inaanu halkan ka cadeeyo inaanaan u arkayn go’aankaas mid cadaalad u
dhacay, isla markaana aanan ku qanacsanayn, wixii halkaa lagaga dhawaaqay,
sababo badan oo tafaasiishooda, la bixin doono.”
Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo wuxuu intaa ku daray inuu qof ahaan
iyo xisbi ahaanba aaminsanyahay kuna qanacsanyihiin in dadweynaha reer
Somaliland guda iyo dibadba ay codkooda, siiyeen xisbiga KULMIYE intooda
badani marka daacad iyo xaq loo hadlo.
Axmed Siilaanyo wuxuu u soo jeediyey xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga
KULMIYE inay nabadgelyada dhawraan, isaga oo sheegay inay arrintaa ay ka
fadhiisanayaan hogaanka xisbigu oo ay dib ka soo go’aankooda sheegayaan
isla markaana wuxuu yidhi “Arrintaa wixii aanu kaga arrinsanayno waxa dib
uga fadhiisan doona hogaanka xisbiga”, wuxuuna intaa raaciyey inay wixii
ka soo yeedha maalmaha soo socda ka hadlayaan, laakiin wuxuu yidhi “waxaan
dadweynaha reer Somaliland xusuusinayaa laba erey oo ka soo baxay afka
dawladda, xukuumadda iyo UDUB mid wuxuu ahaa kii ka soo baxay wasiirka
arrimaha gudaha ee ahaa inay maxkamadu ku dhawaaqayso natiijada sidii ay
awalba ugu soo gudbiyeen guddida doorashooyinku iyo ka labaad oo ahaa inay
qoraalkii ay xisbiga UDUB u qoreen maxkamadda ku cadeeyeen oo qoraal ahaan
ku tilmaameen doorashadii macmal, labadaa ereyba waxaan jecelahay in
shacabweynuhu maskaxda ku hayo markuu arrintaa ka fekerayo.”
Top
Odhaahda Akhristaha: Hala Dhiso Dawlad Wadaag ah. |
Ummada Somaliland way hadleen waxaanay doorteen
inay helaan dawlad labada xusbi u dhanyihiin. Mana doonayaan dawlad UDUB
dhistay iyo mid Kulmiye dhistay toona. Qaladkan dhacayna waxaa weeye qalad
dastuuriya, waxaanu dastuurkeenu u baahanyahay in lagu kordhiyo qodab
xalila marka arintani oo kale dhacdo.
Hadaba haddii aanu nahay ururka DADKA, ururkani oo ah urur wax kasta ka
hormariya danaha dadka Somaliland, waxaan kula talinay naa in Golaha
Guurtida iyo Baarlamanka isugu yeedhaan hogaamiyeyaasha UDUB iyo Kulmiya
una soo jeediyaan inay wax kasta ka horayso in labadan xusbi ay SAXEEXAAN
qodabadan hoos ku qoran: 1) In labada xusbi (Udub iyo Kulmiya ) ay
adeecaan go'aanka ka soo baxa doona Maxkamada Sare.
2) Waa in labada xusbigii hela iyo kii waayaba uu dhiso dawlad ka kooban
labada xusbi. Wasaaradahana waa inay 50/50 u qaybsadaan labada xusbi.
Haddii wasiirka la dhaliilo shaqadiisa, ama shaqadiisa uu gabo, waa in
xusbigii markii hore soo magacaabay uu soo doorankaro wasiirka badalaya.
3) Waa in lixbilood gudahood lagu doorto Baarlamaan cusub. Waa in dib loo
soo doorto Guurti cusub oo ka timada Dagmo kasta (NOT BEELO). Waa in Degmo
kastaaba ay soo saarto Gudi ka kooban aqooyahanadooda, Wadaadadooda,
Caqiladooda, dabadeedna Dagmadaasi soo doortaan qofka ay u diranayaan
Guriga Guurtida. (Waxaa ka haboon, haddii labada xusbi ay ku xadgudbaan
inay wada shaqayn waayaan, waa in wakhtiga la dooranayo Baarlamanka la
raaciyo doorashada Madaxwynaha/Madax wayne ku xigeenka ee UDUB iyo Kulmiye
si labada xisbi u kala baxayaan).
4) Mar haddii uu dhamaday wakhtigii Baarlamanka iyo Guurtidu, waa in
saddexda xusbi ay soo doortaan gudi ku meelgaadha oo badasha Golaha
Baarlamanka iyo Guurtida. Golahan Baarlamanka iyo Guurtida ku meelgaadh ka
ihi waa inay ka koobnaato 150 xubnood. 42% oo xubnahani ahi waa inay UDUB
noqdaan, 42% waa inay Kulmiya noqdaan, 16% ay UCID noqdaan. Gudidani waa
inay ansixiyaan dawlada cusub, dhamaystiraana qodabada distoorka ka dhiman
ee aanu u baahanay si ay doorashada Baarlamanka iyo ta Guurtida dhacdo. (
Haddii tan la fulin kari waayo waa inay dawlada xusub ay ansixiyaan,
Baarlaman iyo Guurti dadku soo doorteen, lixbilood ka dib ).
5) Waa in Dastoorka lagu daro qodab kan, oo ah: Xusbiga aan cod aqlabiyad
oo 51% ah ku helin doorashada madaxwaynaha/ku xigeenkiisa waa in mudo lix
bilood gudahood loogu celiyo doorashada labada xusbi ee ugu codka badan.
6) Waa in KULMIYE, UDUB iyo UCID ay soo saaraan gudi kooban (Tusaalo ahaan
7 qof) oo wax ka qabata Musuqmasaqa. Gudidan oo shaqadoodu tahay inay
ilaaliyaan Hantida dadka. Maanta uma baahnin xusbiyo, ama beelo is jiid
jiita. Maanta cadaw badan ayaynu leenahay oo jecel inaynu baaba'no.
Nabadeena ayaa ku xidhan, Ictiraafkeena ayaa ku xidhan, inaynu helno
dawlad wadaaga oo wada shaqaysa oo wax kasta ka horumerisa danta dadka iyo
dalka. Waxaan qoraalkani ku soo gaba gabaynayaa. Qabaa’iilkii ku noolaa
Maka, wakhtigii casrul jaahiga ahaa, ayaa waxaa ay isku qabsadeen qabiilka
dhigaya KABCADA halka ay maanta taalo. Markii ay kala bixi waayeen ayaa
loo yimid Nabi Maxamad (CSW). Waqtigan Nabiga kuma ay soo dagin Nabi
nimadu, ee waxaa uu ahaa nin ka mida dadka Maka ku nool. Waxaa uu kula
taliyay dadkiisii, inay soo qadaan go’, dabadeedna qabiilkastaaba uu
cidhif qabto oo sida ku digaaan KABCADA halka ay maanta taalo. Waxaa uu
Nabigu sidaa u yeelay si qabiilkastaaba uu iskaga dhex arko natiijada
KABCADA dhigisteeda. Hadaba haddii aanu nahay ururka DADKA waxaa talo nala
tahay in uu xusbi kastaaba iska dhex arko dawalada la dhisi doono, inta
aan gaadhayno dhisid xusbiya mucaarada oo waxqabad leh, een wax dumus
lahayn.
Omar A. Yousuf. California, USA.
Abdirahman Jama. California, USA.
Mahdi Saiid. California, USA.
Khalid Dahir. California, USA.
Abdi Faarax. California, USA.
Ali Jirde. California, USA.
Abdilahi Farax. California, USA.
Rashiid Kahin. California, USA.
Hassan Y. Elmi. California, USA.
Mahamoud A. Elmi. California, USA.
Top
"Nin
sigtay ma nabad gelin." |
Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah, kuna
nool Caasimadda Hargeysa, xisbina aan ka tirsanayn, codkaygase u bixiyey
xaqa aan u leeyahay inaan bixiyo, waxan halkan ku soo bandhigayaa
aragtidayda ku wajahan doorashooyinkii dhacay iyo xisbiyada:Ololaha
doorashooyinka is daba joogga ah ayaa dalka ka socdey tan iyo badhtamihii
sannadkii 2002 dii.Ololihii doorashada dawladaha hoose iyo xisbiyada qaran,
waxay ahayd tii ugu horraysay ee dalka ka dhacda muddo aad u dheer.
Da’yartuna horeba uma arag doorasho noocan oo kale ah. Sidaa awgeed,
Xisbiyada tartamayey, dadweynaha, guddiga doorashooyinka iyo guud ahaan
dalkaba waxay ku ahayd ugub. Dadweyne badan ayaa laga yaabaa in aanay
codaynba ama goobaha doorashadu ka fogaayeen oo gaadhi waayey gaar ahaan
meelaha miyiga iyo tuulooyinka fog-fog. Sabab kale ayaa jirtey oo aanay
dadku u soo wada bixin doorashada dawladaha Hoose oo ahayd in magac xisbi
uun la maqlayey ee aan magac qof la maqlayn. Waxa aan iyana la iska indha
tirikarayn in labada doorashoba ay saamayn weyn ku lahayd nidaamka
golayaasha dalku ku dhisan yihiin ee beelaha.Doorashadaa hore waxa ka qayb
galay lix xisbi siyaasadeed oo kala ah Udub,Kulmiye, Ucid, Sahan, Asad iyo
Hormood. Waa lagu kala calaf qaaday in kasta oo cabashooyin jireen,
xisbiyada qaarkoodna dacwad heer maxkamadeed ah gudbiyeen.Waxa bilaabantay
ololihii doorashada Madaxtooyada oo ay ku tartamayeen saddexdii xisbi ee
ku soo baxay doorashadii hore oo kala ah UDUB, KULMIYE iyo UCID, waxa
iyana ku kala biiray xisbiyadan saddexdii xisbi ee ku hadhay doorashadii
hore sida ASAD iyo HORMOOD oo u kala jabay UDUB iyo KULMIYE iyo SAHAN oo
ku biiray UDUB kaddib markii uu dhicisoobay heshiis ay la galeen xisbiga
UCID.
Waxa xisbi waliba soo sharraxay madaxdii ka qayb gelaysay doorashada
madaxtooyada oo ah Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen. Xisbiga UDUB wuxu
soo sharraxay qalalaase xisbiga dhexgalay kaddib oo bilaabmay markii
xoghayihii guud ee xisbigaasi Dr.Cabdi Aw daahir hunguri ka galay
hoggaaminta dalka- Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, Xisbiga
Kulmiye wuxu soo sharraxay: Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo labaduba ah madaxdii iyo halgamayaashii
S.N.M, xisbiga UCIDna wuxu soo sharraxay Eng. Faysal Cali Waraabe iyo
Ahmed……….. Ololihii waa bilaabmay, xisbi waliba awooddiisa muuji- qaylo,
calamo badan baa la taagey, xafiisyo ayaa laga furay goob kasta oo magaalo
ilaa tuulo, wufuud ayaa la galaa bixiyey dalka oo dhan, ballanqaadyo iyo
dhaqaaleba la isticmaal, ardaa kasta ololuhu gaadh, cid waliba ka
fiirsatay xisbiga iyo ninka dantu ugu jirto, musharrax waliba
taageerayaashiisa safka hore meel soo dhigay, dagaalkuse wuxu ku wajahnaa
deegaanada iyo magaalooyinka aan musharrixiintu asal ahaan ka soo jeedin
sidii loo kala xasilsan lahaa codadkooda.
Doorashadan dadweynuhu aad ayay ugu soo baxeen oo waxad ka garan kartaa
tirada codad oo gaadhey nus milyan cod, halka tii hore ay aad uga yarayd.
Haddaba xisbiyadu way ku kala badnaayeen ololaha doorashada, waxa hormood
ka ahaa xisbiga Kulmiye oo sameeyey tab iyo xeelad kasta oo uu ku
hanankarayey codka dadweynaha sida ololahooda oo aad u habaysnaa, nidaamyo
ay u dejisteen doorasha oo ku wajahnaa dadka codka bixinaya, goobaha cod
bixinta, shaqaalaha goobaha codbixinta iyo tirinta codadka goobaha,
qaddarkuna ma noqon inay guulaystaan, in kasta oo ay ka faaii’iidaysteen
fursad kasta oo soo martay. Qaabka ay u qorshaysteen inay doorashada ku
soo baxaan ayaa sababtay inay leqi kariwaayeen natiijada doorashada. Waxa
iyaguna jirey sababo la odhan karo waxay wax u dhimeen sumcadda xisbigu ku
lahaa codbixiyayaasha oo kala ah:
Markii ay xisbiga ku soo biireen garab ka mid ah xisbigii ASAD oo u badnaa
askar ka mid ahayd garabbadii S.N.M oo dadka qaarkood dib u gurasho iyo
shaki ku abuurtay.
Ku biiridda garabkan oo xisbiga u ekaysiisay dawladdii dalka ka jirtey
1994 kii ee sababtay dagaaladii sokeeye ee dalka ka bilaabmay dabayaaqadii
1994 kii, socdeyna ilaa horraantii 1997kii, iyadoo xubno badan oo raggan
ka mid ahi ay ku jireen golahii xukuumadda ee xilligaa.
Xubno garabkan cusub awgii uga baxay xisbiga oo qaar ahaayeen baalasha
xisbiga, kaddib markii Cabdiraxmaan Aw Cali loo doortay musharraxa
Madaxweyne ku xigeenka isaga oo xisbiga ku kjirey saddex (3) casho oo
keliya.
Hoggaamiyaha xisbiga oo ku guuldarraystay inuu si cad u waajaho una
bogsiiyo daqarro ka hadhay hoggaankiisii S.N.M iyo dawladdii Somaliland u
horreysay ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).
Taasoo sababtay inay beelaha qaar kala fogaadaan xisbiga.
Xisbiga UDUB way wadeen ololaha, marnabase may gaadhayn xisbiga Kulmiye.
Waxa xisbigan ka muuqday goldaloolooyin badan oo ay ugu waaweyn yihiin:
Hoggaanka xisbiga oo lagu xanto karti darro iyo jileec badan.
Khilaafkii xisbiga dhexgalay oo raad ku yeeshay sababayna in rag waaweyn
oo ka mid ah aasaasayaashii xisbiga ay ka baxaan ama laga eryo sida Axmed
Yuusuf Ducaale iyo Dr.Cabdi AW Daahir.
Xisbiga iyo xukuumadda oo isku milmay oo sina u kala bixiwaayey, taasoo
xisbiga ka dhigtay Kan talada haya iyada oo aan doorasho dhicin.
Kalsooni darro ka muuqatay xubno ka tirsan golaha xukuumadda, iyagoo ka
werwersan aayahooda siyaasadeed haddiba UDUB doorashada lagaga adkaado.
Arrintani waxay sababatay inaan ololihii doorashadu u dhicin sidii loogu
talagalay, iyadoo aan la adeegsan dhaqaalihii xisbigu ku bixiyey ololaha
doorashada oo markii horeba dad badani u arkayeen hanti qaran oo xisbi
keligii ku tagri falayo, raggii loo igmadayna aanay ololayn, marka laga
reebo xubno kooban oo xisbiga kaga soo biiray dhinaca SAHAN. Xubno ka
tirsanaa xukuumadda iyo xisbigaba waxa muuqatay inay la shaqaynayeen
xisbiyo kale.
Xisbiga oo is dhigasho ka muuqatey oo ay hoddey doorashadii hore ee
dawladaha hoose.
Si kastaba ha ahaatee, xisbigani wuxu ku guulaystay tiro aad u yar waana
sigtay, “Nin sigtayna ma nabad gelin”. Sababaha guushan keenaynana waxa
ugu waaweynaa:
Dhaliilaha ka muuqday xisbiga Kulmiye oo dad badan u leexiyey dhinaca UDUB.
In badan oo ka mid ah dadka Waaweyn oo danaynayey dawladda talada haysa,
iyadoo talada dalka ay ku badan yihiin dadka da’da ah ee dawladihii hore
iyo isticmaarkii la soo shaqeeyey.
Dad badan oo rumaysan in shantan sano ay xukunka sii hayaan beelaha
darafyada, si ay wax uga tarto aqoonsi raadinta, fididda maamulka iyo
nabadda guud ahaan. Iyagoo imminkaba haya jagooyinka ugu muhiimsan dalka
sida:
Madaxweynaha.
Afhayeenka baarlamaanka.
Guddoomiyaha maxkamadda sare
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka.
Arrimaha debedda.
Si kale haddii aan u idhaahdo waa golaha fulinta, sharci dejinta,
garsoorka,arrimaha debedda iyo maamulka doorashooyinka. Waana kaalimaha
dalka laf-dhabarta u ah ee ugu mudan. Xisbiga UCID oo helay tirada aad u
yar marka la barbar dhigo labada xisbi ee kale, waxan odhan karaa waa
tirada ugu xalaal sanayd oo aanay ku jirin wax ku noqnoqosho ah (Double
vote). Xisbigani wuxu u ololeeyey si qunyar socodnimo ah. Waana xisbiga
keliya ee dadweynaha u sheegayey ballanqaadyo horumarleh oo bulshada
qaarkood riyo u arkayeen. In kasta oo ay noqotay aafo aan laga nabad
gelayn, xisbigani wuxu isku deyey inuu iska fogeeyo qabyaaladda. Xisbigani
waa xisbi mustaqbal leh, noqonna kara xisbiga jiilka cusub. Waxanse kula
talin lahaa hoggaanka xisbigan inuu yareeyo hadallada deg-deggu ka muuqdo
ee ku wajahan mawqifyada kala duwan iyo inu aad ula tashado dadka ku
weheliya hoggaanka xisbiga, waayo go’aanno hore oo hoggaamiyaha xisbigu
keligii qaatay ayaa ka kaxaysay dad laf-dhabar u ahaa xisbiga. (Ogaada
xisbigani ma ha kii aan codkayga siiyey).
Waxa iyaguna aad uga dhexmuuqday ololaha doorashada saxaafadda, gaar ahaan
kuwa ku suntan inay madaxbannaan yihiin, dhexdhexaadna yihiin. Laakiin,
anigu aan ku qiimeeyey inay ka tageen astaantaa, ayna qaadatay caadifadda
xisbinimada iyo beelnimaduba. Maqaalada ku soo baxayey joornaalada ayaa
mar-marka qaar u ekaanayey xafiis dacaayadeed oo xisbi iska leeyahay.
Wargeysyada madaxa bannaan oo aad loo akhristo ayaa d moodaa inay lumiyeen
in badan oo ka mid ah akhristayaashooda intii doorashada loo ololaynayey
iyo kaddibba.
Maqaalada qaarkood oo wargeysyada ku soo baxa maalin walba, ama maalmaha
qaarkood ayaa u muuqda kuwo dhaafsan tifatirayaasha oo laga soo abuuro
marfashyo gaar ah oo dhab ku-samays ah sida: Dhan-xiirka Jamhuuriya iyo
Raadyow ma qallocsshaha Haatuf. Maqaalada qaarkood ayaa wax u dhimayey
waddaniyadda oo ka muuqatey u gacan haadin cadaw shisheeye ah. Suxufiga
waxa looga baahan yahay dhexdhexaadnimo iyo inu dhawro sharafta, sumcadda
iyo sharciga wargeyska iyo guud ahaanba saxaafadda. Wargeyskuna waa in uu
ilaaliyaa damiirka macaamiishiisa illayn waa ganacsiye. Weriyayaasha
qaarkood ayuu ka xoog batay laablakaca caadifadeed ee xisbi iyo beelnimadu.
Dadweynaha qaybo badan oo ka mid ahi waxay ka shakiyeen in ra’yigooda la
soo qoriwaayo, haddii aanay taageersanayn cidda wargeysku taageerayo.
Guntii iyo gebegebadii, waxan leeyahay, “ GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO”,
“ KURSIGUNA LABA MA QAADO”, “SABIRKUNA WAA SED WEYN”, “GEESINA WAA NINKA
GARTA QAATA, MARKA LAGA HELO”. Xisbiyada laga guulaystay halganka ha
wadeen, hana u diyaar garoobeen xilliga dambe,shan sanona waa muddo yar
ciddii gaadha, ha saxeen dhaliilahooda, si fiicanna ha isu dhiseen oo ha u
diyaargaroobeen doorashooyinka dambe. Waase in aynu ka midaysnaanaa
dhawridda nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland.
Xisbiga talada dalka qabtay waxan leeyahay, waxa guushu idinku raacday
tiro aad u yar oo aqlabiyad ma haysataan, Sidaa awgeed, isku wada dalka
iyo dadka, wada-tashigana badiya- waa dariiqa muslimiinta la faray inay
isku maamulaane. Hoggaanka dalka waxa looga fadhiyaa: Inu dhiso dawlad xul
ah, tayo leh oo dadka reer Somaliland iyo adduunweynahaba u cuntanta oo ay
ku jiraan dad dhiig cusub ah sida aqoonyahannada badan ee makhaayadaha
fadhiya ee shaqada la’ oo aad mooddo inay indhaha ka laliyeen maamuladii
hore, lagana tago xalka.
Maamulka sarena waa in uu yeeshaa ku dhac aanu cidna kaga haybadaysan
danta ummadda ee ammaanada ku ah. In dalka maamulka la wada gaadhsiiyo oo
gobollada muranku ka taaganyahay laga dhigo Somaliland dhab ah iyadoo la
tusayo wax qabad iyo horumar, xuduudda Somalilandna caddaato inay Oog
tahay iyo inay Garowe dushiisa tahay. Waxa batay raga faa’iidada macaash
ka helay mashruucan oo u kala wareegaya Somaliland iyo Majeerteeniya. Waxa
kaloo hadda si fiican u muuqata in maamulka Cabdullaahi yuusuf ku
xoogaystay Sool iyo Sanaag bari oo la hoos raacay mashquulkii doorashada.
In xoogga la saaro aqoonsi raadinta, iyadoo la tayaynayo Wasaaradda
arrimaha debedda oo ah hay’adda keliya ee dalka ka metelikarto madalaha
caalamiga ah, arrintana laga saarayo nin toocsiga iyo caaddifadda. Waxa
jira dad badan oo debedaha ku nool oo nin waliba markuu dalka yimaaddo
sheegta inu ku maqnaa ictitaafka Somaliland, afkase aan dhaafsanayn.
Ictiraafkuna waa in uu ka dhashaa dhexdeenna innagoo kalsooni ku qabna
Alleh iyo kitaabka uu innagu galadaystay, cid aan sidaa rumaysnaynina
aqoonsi uma keeni karto dalka.
In laga shaqeeyo sidii ay nabad u helilahaayeen dadka ku nool koofurta
inagoo aan ku dhexmilmin, lana aqoonsado dawladda ay dhistaan, si ay wax
uga tarto aqoonsigeenna mustaqbalka oo aynaan ku farxin dagaallada iyo
dhibaatada ka dhex taagan.
In si cad loo muujiyo sida iyo meesha uu ku baxayo dhaqaalaha yar ee dalka
u soo xerooda, lana abuuro ilo dabagal oo madaxbannaan, aqoon iyo
hawlkarnimona leh.
In gobolada dalku u sinnaadaan horumarka iyo maalgelinta hay’daha
caalamiga ah.
In la caddeeyo, deg-deg na loo dhammaystiro xeerarka doorashada
baarlamaanka iyo guurtida oo hadda u eg “ii kordhi aan kuu kordhiyee” iyo
“dhulow kaama kaco". Sida ugu dhawna loo caddeeyo xilliga doorashada
baarlamaanku ka dhacayso dalka, lagana noqdo muddo kordhintii is magcawga
ahayd. Waxay aniga ra’yigayga iila muuqataa in guurtida loo soo doorto
habka baarlamaanka oo laga daayo qabiilka si looga xuubsiibto dhibaatada
qabyaaladda.
In heshiisyada xukuumaddu ay la gelayso hay’daha caalamiga ay ku
salaysnaadaan diinta iyo akhlaaqda ummadda, lagana warhayaa shaqaalaha
ajaanibka ah (aan muslimiinta ahayn) iyo hawlaha ay hayaan. Wixii shaqo ah
ee qaban karaan muwaadiniintuna aan loo oggolaan dad shisheeye ah.
Waxan aad u rajaynayaa inaad soo qori doontaan maqaalkaygan, Wa Billahi
tawfiiq.
Prof. Siciid Aw Nuux xuseen- Hargeysa, Mobile Tel: 436456.
Top
Shacbigu Wuxuu Idiinka Fadhiyaa Waxqabad. |
Waxaa mahadleh allaha weyn ee subxanahu
watacalaye inagu hanuuniyey dariiqa san, waxaa hoodo iyo nasiib leh,
shacbiga reer Somaliland oo hibo iyo ayaan ilaahay u siiyey in ay dalkooga
ku dabaalan hanaan dimuqradiyadeed, kana gudbaan nidaamkii qabiilaysiga,
waxaa aan mahad balaadhan usoo jeedinaya commissionka dooroshooyinka
qaranka ee Somaliland oo iyagu gutay hawshoodi shaqo, gun iyo gobonimo
waxay ku mutaysan doonanna allaha weyn ee caadilka ah ayuunba ogaan kara,
anigase waxaad iga mudantahiin hawshii balaadhnayd ee aad qaranka u
qabateen amaan balaadhan oo aanan cidinaba u haynin raggan u xayndaaban
tiirarka siyaasadeed ee dalka. Marka xigta waxaan Hambalyo u diraya
XUSBIGA HADDA TALADA DALKA KU GUULAYSTAY EE UDUB iyo gudoomiyahiisa Daahir
Riyaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasin, iyo dhamaan
wajiyada ka dhex muuqda, waxaan leeyahay waar ragyahow xaq iyo xaqdaraba
waxaad tallada hadda ugu guulaysateen allaha weyn ayaa og balse shacbigani
hadda idinka wuxuu idiinka fadhiya inaad u qabataan hawlo qabyo ah oo aad
iyo aad u farabadan, aafayeyna gabi wall oo dalkan Somaliland ku ceegaagan.
waxaan idin leeyahay waxaa idin sugaya shan sanno oo horleh oo u baahan
hawl aad u adag oo aan u baahanayn in loo seexdo. seddex qodob oo muhiim
ah ayaa la idinka raba inaad dalka u qabataan oo ugu muhiimsan oo kala ah:
1. Ictiraaf u Helidda Qaranka Somaliland.
2. Kobcinta iyo kor u qaadida dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuq maasuqa
aafeyey bulshada.
3. Dib u dhiska dhamaan agabyada iyo ilaha bulsho ee dalka oo dhan oo
hadda dhamaanba bur bursan.
Mudane Madaxweyne Riyaale waxaa dalku sugaya inaad ka qaadato go,aan adag
oo aan labac labaci ku jirin, mudane Riyaale adiga ayaa tallada dalka
laguu doortay waxaana fiican inaad guntiga dhiisha iskaga dhigto sidii aad
ugu dabaali lahayd dalka seddex qodob oo muhiim ah oo kala ah:
1. Dhisidda dawlad wadaag ah oo loo dhanyahay oo tayo leh lagana wada dhex
muuqdo.
2. Wax ka bedelka siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland iyo weliba
dhamaanba bedelidda wejiyada ka dhex muuqda wasaaradda arrimaha gudaha.
3. Go'aan adag oo meel mar ah oo adiga shakhsiyan lagaaga baahanyahay
mararka qaarkood.
Qodobadaasi iyo qaar kale oo farabadan waa kuwo u muhiim ah dalka in loo
qabto shanta sanno ee soo socota waana muhiim in aad ka fikirtaan adiga
iyo la taliyayaashaada siyaasadeed iyo dhaqaalaba. Marka xigta waxaan
halkani Hambalyo iyo guul ay soo hooyeen uga diraya Xisbga Kulmiye oo
muujiyey geesinimo iyo hawlkarnimo aad iyo aad u miisan weyn oo aan cidina
inkiri karin muujiyeyna sida miisanka leh ee dalka ay wax ugu leeyahiin,
waxaan hambalyo iyo mahad uga diraya Mudane Axmed Maxamed Maxamoud
Siilanyo waxaanan leeyahay Mudane dalkani waa dalkaagi, dadkuna waa
dadkaagi, macnaha sidani u dhacday maaha in aan xusbigaaga taageero badan
haysanin, balse waxa sidani u dhacday waa in laga helo xusbiga Kulmiye
isku tiirsanaan iyo hawlkarnimo baaxadleh waxaanan kuugu baaqaya inaad ka
shaqayso danta guud iyo ta gaar ahaaneed ee dalkeena somaliland, waxaanan
leeyahay waxaa haboon hadda oo la soo gaadhay inaad hambalyo u dirto
Madaxweyne Riyaale dhamaanteenna aynu ku daba faylo (go behind) dawladda
hadda maxkamaddu ku dhawaaqday inay dalka ka taliso shanta sanno sidii
dimuqraadiyaddu ku jirtay ee laguugu doortay inaad xilka kulmiye u
maamushana ee laguugu hambalyeeyna aad ugu hambalyeyso una hibayso hawsha.
waxaanan guntii iyo gabagabadii leeyahay ilaahay Somaliland ha ka yeello
tii horumarta ee dadkeedu gaadhsiiyo halka ay higsanayso.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA), KARACHI, PAKISTAN.
Top
Taariikhda Sooyaalka ah iyo wakhtiyadan
isguraya ayaa nasiib maanta u keenay in Somaliland ay ka dhacdo Doorasho
Nabadgalyo iyo ammaan buuxa wadatay taasna waa mid sharafteeda ay
huwanyihiin umadda qaranimadda Somaliland jecel isla markaana huramarka
leh. Hadaba go'aankii kama danbaysta ahaa ee ay maxkamada sare ku
dhawaaqday waxuu ahaa go'aan runtii siyaasiyiinta qaarna naxdin u laha
qaarna farxad huwiyey hadaba kii naxay iyo kii farxayba dalku wuu ka
dhaxeeyaa.
Mud. Siilaanyo Dalkan Somaliland waxaad ka huwantahay Taariikh Dheer oo
Dahab ah hadaba Mudane Siilaanyo iyo xisbigaaga maanta xaalada Somaliland
ay marayso waa marxalad aad u fiican runtii dalku waa geed beeran oo jiil
walba waraabin doonaan waxaa jirta in aydun soo saarteen in aydaan ku
qanacsanayan go,aanka Maxkamada sare runtii arrintaasi waa arrin ka
wayrixisay warwarna galisay dhammaan qurba joogayaasha somaliland, waayo
kolay waxaa la sugayay labadiina xisbi kii loogu dhawaaqo maahee kan kale
in laga helo tanaasul uuna dhawro danta guud hadaba xaaladan waxaa haboon
hadii markii hore lagu dhawaaqay natiijadii komishanka oo aad ku
qanciwaydeen oo aad tidhaahdeen maxkamadaanu u gudbinaynaa wixii dacwad ee
cadaana eenu hayno oo maxkamadiina ku dhawaaqday xagay hadaba Salaadu ka
xidhmi la dahay, waa la tartamaa waa lakala badiyaa markuu xisbigu
tartamayay wuxuu filayay guul ama guul darro ayuunbay ahayd marna xisbigu
kamuuu haysan xagga alle balanqaad ah in uu isagu badinayo.
Doorashadii dawladaha hoose waxaa laga badiyey xisbiyo la yidhi dibba uma
jiraysaan waxaa hogaankooda sare ku jiray rag culus sida xisbiganba uga
muuqdaan dhexdiisa raga culusi waxay soo dhaafi waayeen doorshadii
dawladaha hoose, way samreen oo waxay ku samreen dalkooda quruxda leh
hadaba Mudane, Siilaanyo maanta inaad samarto ayaa quruxbadan waayo ragga
tii hore samray siyaasad iyo magacba waydun is leedihiin (Saleebaan-gaal)
(Dr.Gaboose) & (Cumar Carte) intuba siyaasiyiin culus weeye midna
xisbigiisa kumuu soo bixin hadaba Mud. Sharafta aad huwantahay kala dooro
inaad mid ku darsato iyo inaad mid ka rido inaad mid ku darsato waa in aad
u qabsoonto maxkamada oo aad ilaaliso danta guud danta ubadkaaga iyo
qayrkood taasoo ah mustaqbalka somaliland, qancinla,aanta aad qanci la
dahay waa mid warwargalinaysa qurbejooge iyo gudo joogaba, u hibee
xisbigii badiyay adba in laguu hibeeyo waad jeclaan lahayde, danta guud ee
dalku siduu ku horumarayo ka taliya, nin xil qaadayna eed qaad, maanta xil
uun baa laga qaaday, sharaf ha iska tuurin ha is ku dayin in aad ku
adkaysatid hadaladaa ah kuma qanacsani waayo taageero ay kaa rido mooyee
taageero kuu biirin mayso, xisbiga kulmiye ha ilaaliyo taageeradiisa soo
socta wakhtigu waa cararayaa oo doorashada danbe ha la sugo.
Mud. Madaxweyne Daahir Riyaale marka hore Hanbalyo marka xigta Madaxweyne
ogow in aad tahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Distoor ku Yimaada ogowna
in aad tahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Cod one man one vote lagu
doortay Madaxweyne adoo huwan sharafta kii kaa codeeyey iyo kii kuu
codeeyeyba maanta waxaanu kaa sugaynaa dhammaan aniga iyo inta ila qayr
ahiba in somaliland aad wax ka badasho dawlada tayada daran ee kugu
wareegsan ood samayso dawlad tayo leh oo raadisa ictiraafka somaliland ee
u oomanyihiin danyarta cuna qabataysan. waxaa lagaa sugayaa waa in
musuqmaasuq yaraado, in bulshada si is leeg loogu adeego, in laga sinaada
maamulka, in la ilaaliyo xuquuqda dadka Somaliland ee ku aasaasan
qabaailka kala duwan Gabooye ilaa Gurgure.
Mud. Rayaale soo gali maamulkaaga Xisbiyada Qaranka ee Kulmiye iyo Ucid si
ay usii jiraan Xisbiyadan. Mud. Madaxweyne soo dadaji doorashada
Barlamanka taas oo noqon doonta guusha hadhsan oo ah in madaxweyne
dastuuriyii arin uu soo bandhigaa ansaxiyaan Barlaman dastuuriya se imika
aan la hayn oo Barlamanku yahay Barlmana beelo ku dhisan. Mud. Madaxweyene
dhaqdhaqaaqaagu ha ka muuqdo dawlad sare iyo mid Hooseba. Xasuuso
Madaxweyne Qoomiyadii hogaankoodu xunyahay In aanay Muuqan, Se Qoomiyadii
xun isla markaana hogaankoodu wanaagsanyahay in ay muuqato.
Mudane Madaxweyne saar awooda Cadaalada iyo Labada Wasaaradood ee kal ah
Arimaha Dibada ood siiso Ninkii u qalma Xidhiidh fiican la leh Dibada
raadin kara Ictiraaf buuxa, Wasaarada Arimaha gudaha ood siiso Ninkii u
qalma kala dajinkara xaalad walba oo xamaasad leh maaha Sida Ismaaciil Nin
Wax Qasa, sii Nin Dagan oo aqoonteeda leh bulshada dhaqi kara danta
qaranka iyo maalka qarankana dhawraya.
Mud. Madaxweyne Baahi Baa loo Qabaa Maamul Wanaagsan oo tayo leh, ku soo
dar Maamulkaaga Rag Alle ka cabsanaya. Mud. Madaxweyne Soo Koob Maamukaaga
oo ka dhig wasiiro tiro yar si taladu u wanaagsanaato oo aanay u baahin.
Mud. Madaxweyne Kasaar Maamulkaaga Wasiiru dawlayaasha Sasabada ah, Ka
saar maamulkaaga wasiir ku xigeenada waayo looma baahna wasaaradiiba in ay
lahaato Wasiir iyo Agaasime uun. Ilaahay ha kuu fudaydiyo Xilkaad Qaaday.
Dhammaan Taageerayaashii Kala duwanaa uu ucodeeyey Xisbiyadana mid baan ku
soo gunaanadayaa oo ah shacabyohow wanaagsani dhammaan hal xisbi baa inaga
dhaxeeye oo la yidhaah Somaliland aynu ilaashano Maahmaah baa ahayd (kii
Hooyaday dumaalaaba waa adeerkay) imika Xisbigii Badiyaaba waa uun kii
kale Udubna Kulmiye kama duwana Kulmiyena Udub kama Duwana waa laba xisbi
oo labaduba Xisbiyada Qaranka Ah, xisbi waliba raga ku jiraa way soo
mareen Talada Dalka oo waa kuwii shalay iyagu wada shaqaynayay Maantana
iyaga uun baa Wada Shaqayn doona.
Gabo Gabo Shacabka Dahabka ahoow ilbaxnimadaada Siyaadi sidaad awalba
Shookaanta ugu hayseen Siyaasiyiinta imikana ugu haya una hogaansama
Madaxweynihiina Cusub ee Xalaasha ah.
Socotaye Sidii Roon Siilaanyoow Garo, Rayaaloow dawlad Tayo Leh iyo Dal
Horu maray Haluguugu Yimaado 5 Sanno ee soo socta, insha allaahu
Guul iyo Gobonimo Somaliland.
Cumar Cabdi nuux, Calaydh2@hotmail.com, Helsinki, Finland.
Top
Juventus oo gacanta ku dhigtay markii 27aad
Horyaalka Talyaaniga
Turin (Haatuf): Kooxda Juventus, ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah ku
guulaysatay Horyaalka Talyaaniga, kadib markii ay Sabtidii 2-2 ku
barbaraysay kooxda Perugia, ciyaartaas oo ay ku ciyaarayeen garoonka Delle
Alpi, taasina waxay ka dhigtay markii 27aad ee ay ku guulaysato Juventus
Horyaalka Talyaaniga, iyadoo ay ciyaaraha sannadkan ee Horyaalka
Talyaaniga ka hadhsan yihiin 2 ciyaarood kooxdiiba.
Kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Inter Milan oo ahayd kooxda keliya ee
fursadda u haysatay in ay kulasii loolanto Juventus Horyaalka, ayaa
gurigeeda barbaro ku noqotay 1-1 kooxda Parma, taas oo ay ka
faa’iidaysatay Juventus kuna hanatay horyaalka ka hor inta aanay dhammaan
ciyaaraha xilli-ciyaareedkan Tartanka Horyaalka Talyaaniga Serie A.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay wakhtiga rasmiga ah ee ciyaarta goolka
barbardhaca ee kooxda Perugia, oo uu u dhaliyay Fabio Grosso ayaa hakad
geliyay dabaal-degga munaasibaddan, kadib markii uu Marco Di Vaio uu
ciyaarta ka dhigay in ay Juventus hogaanka ku qabsato 2-1 hal daqiiqo
kadib markii ay qabtii labaad ee ciyaartu bilaabmatay. Qaybtii hore ee
ciyaarta ayuu weeraryahanka Faransiiska ah ee u ciyaara Juventus, David
Trezeguet, daqiiqadii 25aad u dhaliyay goolka hore ee Juventus, waxase
isagu taa barbareeyay gooldhaliyaha amaahda kaga soo wareegay kooxda
Juventus ee u ciyaarayay kooxda Perugia.
Laakiin, goolka barbar-dhaca ee uu keenay ciyaartoyga Grosso ee kooxda
Perugia, ma samayn wax macna ah, kadib markii la maqlay warka ah in Inter
la horjoogsaday oo ay barbaraysay kooxda Parma.
Ciyaartoyda kooxda Juventus ayaa dabaal-degga ka dhex bilaabay garoonka
dhexdiisa, waxaanay ku dhex ciyaarayeen ka garoonka iyagoo lulaya calamo,
taas oo ay mararka qaarkood u tagayeen dad caa’iladahooda ka mid ah oo ku
sugnaa garoonka isuna hambalyaynayeen.
Iyadoo kooxda Real Madrid ay imanayso garoonka Delle Alpi maalinta
Arbacada ee toddobaadkan, si ay ula ciyaarto is-aragii labaad ee ciyaaraha
semi-finalka ee Tartanka Horyaalka Yurub, ayay kooxda Juventus ka dalbatay
taageerayaasheeda in aanay u soo daadegin garoonka dhexdiisa, codsigaasna
way ka aqbaleen.
Sidoo kale, tababaraha kooxda Juventus ayaa isaguna maskaxdiisa ku hayay
ciyaarta ay la yeelanayaan Real Madrid, taas oo lagaga soo badiyay
Juventus 2-1 ciyaartii is-aragii koowaad, waxaanu ciyaarta ka ciyaarsiiyay
ciyaartoydiisa xagga hore ugu jira qaarkood, iyadoo uu ciyaartoyda qaarna
aanu soo gelin ciyaarta sida Alessandro Del Piero iyo Pavel Nedved oo
iyagu fadhiyay meesha ciyaartoyga raseefka ahi fadhiistaan.
Kooxda AC Milan oo iyada ay iskaga hor iman doonaan kooxda Inter Milan
ciyaarta is-aragga labaad ee horyaalka Yurub maalinta Salaasadda
toddobaadkan ayay qabatay ama horjoogsatay kooxaha diciifka ah ee Brescia,
waxaana lagaga badiyay 0-1.
Guul ay gaadho kooxda Inter Milan, ayaa noqon lahaa mid uu sii socdo
hirdanka horyaalka Talyaaniga toddobaad ama in ka badanba, laakiin markii
ciyaarka reer Sierra Leone, Maxamed Kallon uu kooxda Inter u dhaliyay
goolka ay hogaanka ku qabatay qaybtii hore ee ciyaarta kadib, Parma ayaa
dhashatay goolkii ay ku barbaraysay, waxaana u dhaliyay gool-dhaliyaha
hore ugu ciyaari jiray kooxda Inter, haddase u ciyaarta kooxda Parma ee u
dhashay dalka Romania, Adrian Mutu.
Kooxda Inter haddii ciyaartan ku guulaysan lahayd waxa ay 6 dhibcood ka
dambayn lahayd kooxda Juventus, iyadoo ay u hadhsan yihiin kooxaha laba
laba ciyaarood, balse bardhacan ay gashay Inter waxa ay ka dambaysa kooxda
Juve 8 dhibcood.
Kooxda Juventus ayaa iyadu dabaal-degeeda dib u dhigatay in yar mooyaane,
waxaanay isla shalay ciyaartoydu soo galeen tababarkoodii si ay ugu
diyaargaroobaan ciyaarta ay la yeelanayaan Real Madrid.
Dhinaca kale, ciyaartoyga kaalinta difaaca uga ciyaara kooxda Juvetus ee
Ciro Ferrara, ayaa noqday ciyaartoyga keliya ee weli ka ciyaara Serie A ee
toddoba jeer ku guulaystay Horyaalka Talyaaniga.
36-jirka Difaaca ka ciyaaraa waxa uu laba jeer kula guulaystay kooxda
magaaladiisa ee Napoli sannadihii 1987 iyo 1990, ka hor intii aanu u soo
wareegin magaalada Turin ee kooxda Juventus oo iyada kula guulaystay 5
jeer, uuna tababaraha ka ahaa Marcello Lippi.
Ferrara, waxa oo dhaafay oo uu ka horeeya ciyaartoyda reer AC Milan ee
Paolo Maldini iyo Alessandro Costacurta, kuwaas oo iyagu lix jeer kula
guulaystay kooxdooda horyaalka Talyaaniga.
Ciyaartoydii hore ee Juventus, Roberto Bettega iyo Gaetano Scirea oo
sannadihii 1970 iyo hortaantii 1980kii ciyaaraha ka fadhiistay, ayaa
iyaguna toddoba jeer ku guulaystay horyaalka Yurub.
Balse, rikoodhkaas waxa iyagu weli u horeeya oo haysta ciyaartoyda
Giovanni Ferrari iyo Giuseppe Furino oo mid sideed jeer ku guulaystay.
Top
Waadiga Ciyaaraha.
Juventus oo gacanta ku dhigtay markii 27aad Horyaalka Talyaaniga
Turin (Haatuf): Kooxda Juventus, ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah ku
guulaysatay Horyaalka Talyaaniga, kadib markii ay Sabtidii 2-2 ku
barbaraysay kooxda Perugia, ciyaartaas oo ay ku ciyaarayeen garoonka Delle
Alpi, taasina waxay ka dhigtay markii 27aad ee ay ku guulaysato Juventus
Horyaalka Talyaaniga, iyadoo ay ciyaaraha sannadkan ee Horyaalka
Talyaaniga ka hadhsan yihiin 2 ciyaarood kooxdiiba. Kooxda kaalinta labaad
ku jirta ee Inter Milan oo ahayd kooxda keliya ee fursadda u haysatay in
ay kulasii loolanto Juventus Horyaalka, ayaa gurigeeda barbaro ku noqotay
1-1 kooxda Parma, taas oo ay ka faa’iidaysatay Juventus kuna hanatay
horyaalka ka hor inta aanay dhammaan ciyaaraha xilli-ciyaareedkan Tartanka
Horyaalka Talyaaniga Serie A.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay wakhtiga rasmiga ah ee ciyaarta goolka
barbardhaca ee kooxda Perugia, oo uu u dhaliyay Fabio Grosso ayaa hakad
geliyay dabaal-degga munaasibaddan, kadib markii uu Marco Di Vaio uu
ciyaarta ka dhigay in ay Juventus hogaanka ku qabsato 2-1 hal daqiiqo
kadib markii ay qabtii labaad ee ciyaartu bilaabmatay. Qaybtii hore ee
ciyaarta ayuu weeraryahanka Faransiiska ah ee u ciyaara Juventus, David
Trezeguet, daqiiqadii 25aad u dhaliyay goolka hore ee Juventus, waxase
isagu taa barbareeyay gooldhaliyaha amaahda kaga soo wareegay kooxda
Juventus ee u ciyaarayay kooxda Perugia.
Laakiin, goolka barbar-dhaca ee uu keenay ciyaartoyga Grosso ee kooxda
Perugia, ma samayn wax macna ah, kadib markii la maqlay warka ah in Inter
la horjoogsaday oo ay barbaraysay kooxda Parma.
Ciyaartoyda kooxda Juventus ayaa dabaal-degga ka dhex bilaabay garoonka
dhexdiisa, waxaanay ku dhex ciyaarayeen ka garoonka iyagoo lulaya calamo,
taas oo ay mararka qaarkood u tagayeen dad caa’iladahooda ka mid ah oo ku
sugnaa garoonka isuna hambalyaynayeen.
Iyadoo kooxda Real Madrid ay imanayso garoonka Delle Alpi maalinta
Arbacada ee toddobaadkan, si ay ula ciyaarto is-aragii labaad ee ciyaaraha
semi-finalka ee Tartanka Horyaalka Yurub, ayay kooxda Juventus ka dalbatay
taageerayaasheeda in aanay u soo daadegin garoonka dhexdiisa, codsigaasna
way ka aqbaleen.
Sidoo kale, tababaraha kooxda Juventus ayaa isaguna maskaxdiisa ku hayay
ciyaarta ay la yeelanayaan Real Madrid, taas oo lagaga soo badiyay
Juventus 2-1 ciyaartii is-aragii koowaad, waxaanu ciyaarta ka ciyaarsiiyay
ciyaartoydiisa xagga hore ugu jira qaarkood, iyadoo uu ciyaartoyda qaarna
aanu soo gelin ciyaarta sida Alessandro Del Piero iyo Pavel Nedved oo
iyagu fadhiyay meesha ciyaartoyga raseefka ahi fadhiistaan.
Kooxda AC Milan oo iyada ay iskaga hor iman doonaan kooxda Inter Milan
ciyaarta is-aragga labaad ee horyaalka Yurub maalinta Salaasadda
toddobaadkan ayay qabatay ama horjoogsatay kooxaha diciifka ah ee Brescia,
waxaana lagaga badiyay 0-1.
Guul ay gaadho kooxda Inter Milan, ayaa noqon lahaa mid uu sii socdo
hirdanka horyaalka Talyaaniga toddobaad ama in ka badanba, laakiin markii
ciyaarka reer Sierra Leone, Maxamed Kallon uu kooxda Inter u dhaliyay
goolka ay hogaanka ku qabatay qaybtii hore ee ciyaarta kadib, Parma ayaa
dhashatay goolkii ay ku barbaraysay, waxaana u dhaliyay gool-dhaliyaha
hore ugu ciyaari jiray kooxda Inter, haddase u ciyaarta kooxda Parma ee u
dhashay dalka Romania, Adrian Mutu.
Kooxda Inter haddii ciyaartan ku guulaysan lahayd waxa ay 6 dhibcood ka
dambayn lahayd kooxda Juventus, iyadoo ay u hadhsan yihiin kooxaha laba
laba ciyaarood, balse bardhacan ay gashay Inter waxa ay ka dambaysa kooxda
Juve 8 dhibcood.
Kooxda Juventus ayaa iyadu dabaal-degeeda dib u dhigatay in yar mooyaane,
waxaanay isla shalay ciyaartoydu soo galeen tababarkoodii si ay ugu
diyaargaroobaan ciyaarta ay la yeelanayaan Real Madrid.
Dhinaca kale, ciyaartoyga kaalinta difaaca uga ciyaara kooxda Juvetus ee
Ciro Ferrara, ayaa noqday ciyaartoyga keliya ee weli ka ciyaara Serie A ee
toddoba jeer ku guulaystay Horyaalka Talyaaniga.
36-jirka Difaaca ka ciyaaraa waxa uu laba jeer kula guulaystay kooxda
magaaladiisa ee Napoli sannadihii 1987 iyo 1990, ka hor intii aanu u soo
wareegin magaalada Turin ee kooxda Juventus oo iyada kula guulaystay 5
jeer, uuna tababaraha ka ahaa Marcello Lippi.
Ferrara, waxa oo dhaafay oo uu ka horeeya ciyaartoyda reer AC Milan ee
Paolo Maldini iyo Alessandro Costacurta, kuwaas oo iyagu lix jeer kula
guulaystay kooxdooda horyaalka Talyaaniga.
Ciyaartoydii hore ee Juventus, Roberto Bettega iyo Gaetano Scirea oo
sannadihii 1970 iyo hortaantii 1980kii ciyaaraha ka fadhiistay, ayaa
iyaguna toddoba jeer ku guulaystay horyaalka Yurub.
Balse, rikoodhkaas waxa iyagu weli u horeeya oo haysta ciyaartoyda
Giovanni Ferrari iyo Giuseppe Furino oo mid sideed jeer ku guulaystay.
Top
|