Cudur- Daar.
Maxkamadda Sare Ha Qabyo-Tirto Go’aankii Natiijada.
Madaxweyne Daahir Rayaale Oo La Filayo In Maalinta Jimcaha
Loo Dhaariyo Jagada Madaxtinimada 5-ta Sanadood Ee Soo Socda.
Ururka SSJW Oo Xukuumadda Rayaale Ku Canbaayeeyey Falal Lid
Ku Ah Xorriyatul- Qawlka.
Mas’uuliyiinta KULMIYE Ee Tog-Dheer Oo Ku Gacan-Saydhay
Go’aanka Maxkamada Sare.
Maxkamad lasoo taagayo mas’uuliyiintii Xukuumaddii La Riday
Ee Sadaam Xuseen.
Hambalyo.
Ra’iisal-wasaarayaasha Israel iyo Falastiin Oo lagu Wado Inay
Kulmaan.
Boqol Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaad Leh Oo Ka Dhacay
Sucuudiga
Dhimashada Iyo Dhaawaca Waxa Ka Mid Ah 50 Qof Oo U Dhaashay Maraykanka.
Pakistan Iyo Hindiya Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhigan Sidii Film
Hindiya Oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo Halaag.
Guul Baa U Soo Hoyatay Somaliland.
Jilba Dhiig, Waa Sheeko Taxane Ah Oo Uu Qoray Xasan Faarax
Maxamed,
Waxaana Tafaftiray A. Ducaale.
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa Qoray Cabdi
Caara-Dhuub.
|
|
Cudur- Daar
Labada sheeko ee Garta Dhaqanka iyo Jilba Dhiig oo ka maqnaa maalmahan
wargeyska Haatuf ayaa waxa u sabab ahaa cilad xagga farsamada ah sidaa
darteed ayaanu uga cudur daaranaynaa akhristayaasha sharafta leh, maanta
ayaanay suurta gashay inay ku soo baxaan wargeyska ee ka akhri gudaha.
Top
Maxkamadda Sare Ha Qabyo-Tirto Go’aankii Natiijada. |
Subaxnimadii 11-kii bishan May ayay maxkamadda
sare ee Somaliland ku dhawaaqday natiijadii kama-dambaysta ahayd ee
doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacay 14 April, taasoo xalaalaysay
in xisbiga UDUB ku guulaystay doorashadaas.
Haddii aynu falanqayno habkii ay maxkamaddu u soo bandhigtay go’aankeeda,
waxa dadka badankoodu ay aaminsan yihiin oo ay maxkamadda ku dhaliilsan
yihiin siday u maamushay ku dhawaaqistii natiijada.
Waxyaalaha dadka iyo ra’yul-caamka u cuntami waayay waxa ka mid ah
faah-faahin la’aanta aanay maxkamaddu si cad u kala qeexin asbaabihii
sharciyeed ee ay u cuskadeen go’aankooda ee ay isku waafajiyeen
tirooyinkii natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd, jawaab-celintii Guddiga
doorashooyinka iyo qodobadii ay ku dacwoonayeen labada xisbi ee natiijada
ku muransanaa.
Faah-faahin la’aanta kasokow, waxa iyaduna jirtay maxkamadda oo shuuqsatay
gar-qaadistii Kiiskii oo marka laga reebo fadhigii u horreeyay ee
Khamiistii aanay jirin cid ay ka marti-geliyeen oo goob-joog ka ahaa
dhegaysigeeda. Xataa markii ay go’aankeeda ku dhawaaqaysay ma jirin wax
qoraal ah oo maxkamaddu u qaybisay labadii dhinac ee ay gartu ka dhaxaysay
ama weriyeyaashii warbaahinta dalka ee goobta joogay.
Kiiskan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah isla markaana laga
warqabay culayska iyo saamaynta uu leeyahay, taas oo wargeys ahaana hore
talooyin loogu jeediyay maxkamadda sida loogu baahan yahay in dadweynaha
warkiisa aad looga dhergiyo. Haddaba, waxa isweydiintu tahay maxa keenay
inay maxkamaddu hab-qarsoodi ah garta ku qaaddo.
Waxyaalaha dadku jawaabta u la’yihiin oo ay weli isweydiinayan waxa ka mid
ah ma sanaaduuq dambe ayaa dib loo tiriyay, ma tirooyinka gobollada iyo
degmooyinkaa is khilaafsanaa marka horeba, maxkamaddu halkay ka keentay
5-ta cod ee ay ka goysay natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd ee xisbiga UDUB
helay.
Su’aalahaas iyo kuwo kaleba oo ay dadku qabaan, weli looma hayo jawaabo
shaafi ah, taasoo sabab u ah shakiga iyo muranka weli ka taagan siday wax
u dhaceen.
Tafsiir yaraanta maxkamaddu waxa kale oo ay ra’yulcaamka adduunka shaki ka
gelin karta kalsoonidii ay ku qabi lahaayeen doorashadii dalka Somaliland
ka dhacday oo ka mid ah waxyaalaha lala shir-tegi doono marka beesha
caalamka lagala garamayo ictiraafka Somaliland.
Sidaas darteed, maxkamadda sare intaan la dhaarin Madaxweynaha dib loo
doortay waxa ku waajib ah inay faahfaahin iyo raad-raac cad ka soo saarto
go’aanka natiijadii ay soo saartay.
Top
Madaxweyne Daahir Rayaale Oo La Filayo In Maalinta Jimcaha Loo
Dhaariyo Jagada Madaxtinimada 5-ta Sanadood Ee Soo Socda. |
Hargeysa (Haatuf) madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa in loo dhaariyo
jagada madaxtinimada maalinta jimcaha ee fooda inagu soo haysa ,kadib
markii uu si rasmi ah ugu guulaystaay jagada madaxtinimada kadib markii ay
maxkaamada saare ku dhawaaqday natiijadii dooraashooyinkii madaxtinimada
ee dalka ka dhacay 14-kii abril.madaxweyne rayaale oo uu dhaarin doono
gudoomiyaha maxkamadda sare maalinta jimcaha 16.05.03 muddo shan sanadood
oo dambe ah iyada oo xukuumadda horena sida dastuuurka ku cad ay muddadii
sharciyan kaga dhantahay berrito 15.05.03.
Waxaana sidaa xalay Haatuf u xaqiijiyey afhayeenka madaxtooyadda Cabdi
Idiris isaga oo intaa ku daray in ay dhacdo jimcaha dhaarinta madaxweynaha
iyo madaxweyne ku xigeenku, iyada oo la sheegay in xafladaha loogu dabaal
degayo munaasibadda 18 May oo ah maalinta dib ula soo noqoshada madax
banaanida Somaliland, munaasibadaa oo ay xukuumaddu si weyn ugu diyaar
garoobayso markay la dhaariyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku ka
dib.
Markaa ka dib waxa la filayaa in madaxweyne Rayaale inuu guda galo
dhismaha xukuumadiisa cusub, waxaanay dad badani naawilayaan inay
xukuumadda cusub ee Madaxweyne Rayaale noqoto mid xul ah oo tayo leh, oo
bedesha xukuumadda haatan jira, inkasta oo aanu xisbiga mucaaradka ugu
weyn, isla markaana ay isku codadka dhawaayeen aanu ku qancin go’aankii ay
maxkamadda sare ku dhawaaqday in madaxweyne Rayaale uu ku guulaystay
jagada madaxtinimada dalka, isla markaana aan la ogayn waxa ay ka yeeli
doonaan arrintaasi, iyaga oo intaa ku daray inaanay aqoonsanayn go’aaanka
guusha madaxweyne Rayaale.
Dhinaca kalena waxa la rajaynayaa in ay ka soo qayb soo galaan
munaasibadda 18 May wufuud ka kala socota dalalka aynu jaarka nahay. Iyada
oo haddii ay yimaadaan ay noqonayso markii ugu horeysay ee ay wufuud
shisheeya ahi ka soo qayb galaan dabaal dega 18 May, oo ah maalinta
qaranimada Somaliland.
Top
Ururka SSJW Oo Xukuumadda Rayaale Ku Canbaayeeyey Falal Lid Ku Ah
Xorriyatul- Qawlka.
|
Hargeysa (Haatuf): ururka suxufiyiinta iyo
qorayaasha madaxa banaan ee Somaliland (SSJW) ayaa xukuumadda Rayaale ku
cambaareeyey inay wado falal lid ku ah xoriyatul qawlka iyo
dimuqraadiyadda, isla markaana lagu cabudhinayo xorriyadda iyo madax
banaanida saxaafadda, sidaana waxay ururku ku sheegeen qoraal ay xalay soo
saareen, waxayna qoraalkaas ku sheegeen in muddooyinkan dambe ay
xukuumaddu samaysay falal iskugu jira xadhig, cabudhin, caga-juglayn iyo
boob ay kula kacday weriyayaal ka tirsan Wargeyska ka tirsan warbaahinta
madaxa banaan ee dalka iyo dadka kale oo isugu jira masuuliyiin ka tirsan
xisbiga mucaaradk ah ee KULMIYE iyo taageerayaal, kuwaas oo ay qaarkood
ilaa wakhtigan xidhan yihiin.
Ururku wuxuu qoraalkiisa ku xusay inay falalkaa ay xukuumaddu kula kacday
weriyayaasha ay u muuqato kuwa la doonayo in lagu cabudhiyo madax
banaanida iyo xorriyadda saxaafadda.
Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha ee Somaliland ee marka magaciisa la soo
gaabiyo la yidhaahdo (SSJW) wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay ka waantowdo
cabudhinta, cadaadiska iyo xadhiga noocaas ah ee isa soo tarayey bilahan u
dambeeyey, kaas oo lid ku ah xorriyadda saxaafadda, xorriyatul qawlka iyo
nidaamka dimuqraadiyadda, wuxuuna ururku qoraalkiisa ku sheegay in
xukuumadda looga baahan yahay inay ku dhaqanto oo ilaaliso qawaaniinta,
xeerarka iyo dastuurka dalka, isla markaana ay tixgeliso baaqa iyo
xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.
Ururka wuxuu ugu baaqay inay sii dayso weriye Maxamed Cumar oo ah weriyaha
Gobolka Awdal oo ka tirsan shabakada warbaahinta Haatuf oo soo saarta
saddexda wargeys ee Haatuf (Soomaali), Al-Haatuf Al Carabiya iyo
Somaliland Times (Englisho) weriyahaas oo la xidhay 8-deedii bishan,
welina xabsiga dhexe ee Boorama ugu xidhan si cadaalad darro ah.
Top
Mas’uuliyiinta KULMIYE Ee Tog-Dheer Oo Ku Gacan-Saydhay Go’aanka
Maxkamada Sare. |
Burco ( Haatuf) Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE
ee goblka togdheer oo ay weheliyaan, garabka haweenku ayaa wadajir u
cadeeyay inaanay ku qanacsanayn go,aanka maxkamada sare ay soo saartay
Axadii todobaadkan ee ku wajahnaa natiijadii doorashooyinkii dalka ka
dhacay. Sidaana waxay ku sheegeen shirjaraa,id oo ay shalay ku qabteen
magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer, sida uu kusoo waramay Axmed
Aadan yuusuf oo ah hawlwadeen ka tirsan Haatuf,waxa ka mid ahaa xubnaha
halkaa ka hadlay gudoomiyaha gudida fulinta cali xasan maxamed, C/raxmaan
yuusuf cabdi,Xasan maxamed axmed, Maxamed yuusuf liibaan iyo caaqil
saleebaan guray (gadh-cade) oo dhamaantood ka tirsan xisbiga KULMIYE.
Laakiin gudoomiyaha gudida fulinta, Cali xasan maxamed ayaa sheegay inaanu
xisbigoodu ku qanac sanayn go,aankii ay maxkamadu ku dhawaaqday , wuxuuna
isagoo arrintaa ka hadlayana wuxu yidhi, “ go'aanka ay maxkamadu ku
dhawaaqday,waxaanu u aragnaa, mid aan sharciga waafaqsanayn, xalaalna aanu
ahayn oo layskaga dahawaaqay, waxaanuna aaminsanahay oo aanu ku
qanacsanahay inaanu doorashadii dhacday 14kii bisha aanu ku guulaysanay”.
Gudoomiyaha gudida fulinta ee KULMIYE, wuxu intaa ku daray inay kulankaa
isugu yimaadeen dhamaan garabyadii xisbigu, islamarkaana ay ayidsan yihiin
go,aanka iyo jawaabta uu ka bixiyay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed
maxamed maxamuud siilaanyo,wunxuna intaa raaciyay inaanay natiijo sax ah
ahayn, isla markaana aan la qeexin, sida lagusoo saaray
go,aankaas.Gudoomiyaha gudida fulinta ee gobolka togdheer, Cali xasan
maxamed, waxa uu sheegay inay jiraan, dad muwaadiniin ah oo codkoodii
sharciga waafaqsanaa oo aan la kansalgarayn, lana tiring,sida sanduuqii
bali calanle, sidaa awgeed dadkanu ma qaadanayaan cadaalad daradii ay hore
uga diideen digtaytarkii siyaad bare. Mr cali waxa uu xisbiga UDUB ku
eedeeyay inay kala qaybinayaan bulshada, iyagoo dadkii u codeeyay xisbiga
KULMIYE ay doonayaan inay shaqada ka sifeeyaan, taasuna waa waxyaabaha
nabadgelyada xumaynaya ee ay UDUB ku kacayso ayuu yidhi.
C/ raxmaan yuusuf cabdi oo ka mid ah xubnaha KULMIYE ayaa isna sheegay
inay shacabku doorashadii u codeeyeen si fiican oo ay u dhacday si aanay
uga dhicin caalamka dumuqraadiyada ku faana, laakiin waxa nasiib daro ah
ayuu ydhi inay hayadihii ay khusaysay ee umada dhex u noqon lahaa, ama
axsaabtu ay garab noqdeen, haddii ay komishanka tahay iyo haday maxkamada
tahayba, islamarkaana ay sababta labadaa ha,yadood loo kala danbaysiiyay
ay tahay, haddii ta hore khaldanto inay ta danbe saxdo ,laakiin cidwaliba
ay garanayso in wixii ay dadkanu ka dagaalameen ay ahaayeen caddaalad
daradii dadka loo geystay, maantana ay tii bilaabantay oo aynu dib ugu
noqonay, balse waxa masuuliyadeeda iska leh cidii samaysay oo ay dib ugu
noqonay.
Mr c/raxmaan wuxu ku eedeeyay xibiga UDUB, inay wadaan nabadgelya daro iyo
kharbudaad, islamarkaana ay ku afgobaad-sadaan inuu KULMIYE wado nabad
gelya daro, laakiin wuxu sheegay inuu xisbiga KULMIYE yahay , mid ay nabad
gelyadua iyo dalkuba qaali ku yihiin oo uu dhiig badani kaga daatay, sidaa
awgeed aanay doonayn inay nabad gelyo daro horseedaan, isagoo intaa
raaciyay inay bulshadu aragto cida dhibaatada wada. Sidoo kale garabka
haweenka KULMIYE ee gobolka togdheer iyo haweenka jamciyada mujaahidiinta
sooyaal ayaa sheegay inaanay marnaba ku qanacsanayn go,aanka maxkamada,
islamarkaana ay taageersan yihiin jawaabta uu ka bixiyay gudoomiyohoodua
axmed siilaanyo. Marwo sahra maxamed yuusuf oo ka tirsan golaha dhexe ee
KULMIYE iyo Shamis yuusuf cartan oo ka tirsan Ururka haweenka ee KULMIYE
ayaa sheegay inuu go,aanka ay maxkamadu ku dhawaaqday yahay mid xaaraan
ah, islamarkaana aanay taageer sanayn go,aankaa, balse ay taageer san
yihiin, jawaabtii uu go'aankaa ka bixiyay gudoomiyaha KULMIYE, iyagoo
intaa ku daray inay u codeeyeen haweenku cidii ay u arkayeen inay waxa u
qabanayso maatada iyo dadka jilicsan, laakiin ay nasiib daro tahay inay
UDUB, sidaa wax u boobto oo aanay aqbalayn in codkii xaqa ahaa ee ay
bixiyeen la duudsiyo, waxa iyaduna halkaa ka hadashay, Sahra x, yuusuf oo
u hadashay garabka haweenka ee sooyaal, wxayna sheegtay inay go'aankaa u
arkaan dulmi oo aanay marnaba qaadanayn.
Top
Baqdaad (W.Wararka) - Mas’uul sare oo Maraykan
ah ayaa kaga dhawaaqay magaalada Baqdaad in la samaynayo maxkamad gaar ah
oo eegaysa dembiyadii laga galay shacbiga reer Ciraaq muddadii u talada
hayay Sadaam Xuseen oo Xukunka laga tuuray daboyaaqadii bishii hore.
Dhawaaqidda mas’uulkani waxay dhalisay su’aalo badan oo la iska weydiinayo
nooca ay noqonayso maxkamaddani iyo sida loo hirgelin karayo Xukunka lagu
qaadayo dadka uu liis gareeyay Maraykanku oo tiradoodu gaadhayso 55 qof oo
uu Maraykanku raadinayo.
Sahki kuma jiro in dembiyo dhinaca banii’aadamnimada ahi ay dhaceen
mudadii uu Xukunka hayay Sadaam Xuseen, laakiin waxay dad badani qabaan in
ay maxkamadda madax ka noqdaan dad reer Ciraaq ahi iyo in tafaasiil
dheeraad ah laga bixiyo nooca dembiyada loo haysto dadka la tuhunsan yahay.
Markii uu dhammaaday dagaalkii lagu qaaday Ciraaq, Madaxweynaha Maraykanka
ayaa ku dhawaaqay in la baadi-goobi doono dadkii dembiyada ka galay reer
Ciraaq si maxkamad loo soo taago. Laakiin tafaasiil kamuu bixinin nooca ay
noqonayso maxkamadda lasoo taagay mas’uuliyiintaas.
Dadka qaar ayaa qaba in maxkamadda dembiyada dagaalka ee Hague loo gudbiyo
dadka mas’uuliyiinta kasoo ahaa Ciraaq, inkasta oo ay dadka qaarkood kasoo
horjeedaan arrintaas, halka ay qaar kalena aad u diidan yihiin in maxkamad
lasoo taago dad mas’uuliyiin hore uga ahaa dalka Ciraaq.
Top
Dhamaan Shaqaalaha Mohamed Yousuf Elmi, Mohamed
Osmaan Ismail, Ali Dul-Dul Axmed Omar Fureh, Mustafe (Babta), Sakadi
Jaamac, Shoobe Abdi Elmi, Jama Osman Ismail, Mohamed Elmi Samatar, Waxay
Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Ibrahim Sigad Misan Iyo Hodan
Husien Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay 9/05/03 Magaalada Waxaanay Leeyihiin
Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Khayr Qabana Kala Hela. Aamiin.
Hambalyo
Hooyo Maryam Aadan Cumar, Yoonis Cumar Sh. Yuusuf, Daariq Cumar Sh. Yuusuf,
Ismaaciil Cumar Sh. Yuusuf, Hibaad Cumar Sh. Yuusuf, Sahra Cumar Sh.
Yuusuf, Faadumo Cumar Sh. Yuusuf, Safiya Cumar Sh. Yuusuf, Shukri Aadan
Cumar, Axmed Aadan Cumar, C/Raxmaan Aadan Cumar, C/Casiis Aadan Cumar,
Amuun Giire, Faadumo Shacib, Nuura Qalinle, Caasha Xaaji Jirde, Waxay
Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Ibraahim Sigad Miisaan Iyo Hodan Xuseen
Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 09/05/03 Waxaanay
Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Kheyr Qabana Kala Hela. Aamiin.
Hambalyo
Aabo Muuse Axmed Shirwac, Hooyo Xaliimo Sh. Yuusuf Sh. Madar, Deeqa Axmed
Muuse, Hodan Axmed Muuse, Yuusuf Axmed Muuse, Maxamed Axmed Muuse Sihaam
Axmed Muuse, Yasmin Axmed Muuse, Foosiya Axmed Muuse, Sahra Axmed Muuse,
Guuleed Axmed Muuse, Waleed Axmed Muuse, Ayeeyo Faadumo Muxumed Ismaaciil,
Ayeeyo Aamina Muxumed Ismaaciil, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan
Ibraahim Sigad Miisaan Iyo Hodan Xuseen Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay
Magaalada Hargeysa 09/05/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara,
Ubad Kheyr Qabana Kala Hela. Aamiin.
Hambalyo
Adeero Axmed Yuusuf Cumar, Hooyo Sahra Sh. Yuusuf Sh. Madar, Aamina Xuseen
Bile, Safiya Xuseen Bile, Ayaan Xuseen Bile, Nimco Xuseen Bile, Maxamed
Xuseen Bile, Yuusuf Xuseen Bile, Cumar Xuseen Bile, Ayeeyo Caasha Muxumed
Ismaaciil, Faadumo Bile Cumar Ardo Bile Cumar, Caasha Bile Cumar, Xabiiba
Bile Cumar, Carfi Bile Cumar, Ayeeyo Xabado Muuse Magan, Waxay Hambalyo
Iyo Bogaadin U Dirayaan Ibraahim Sigad Miisaan Iyo Hodan Xuseen Bile Oo
Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 09/05/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda
Kuwii Isku Waara Ubad Kheyr Qabana Kala Hela Aamiin
Hambalyo
Aabo C/Raxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar, Hooyo Roda Ileys, Maxamed C/Raxmaan
Sh. Yuusuf, Sahra C/Raxmaan Sh. Yuusuf, Marwo C/Raxmaan Sh. Yuusuf, Nuura
Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Khaliil Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Xabiiba Sh.
Ibraahim Sh. Yuusuf, Farxiya Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Xasan Sh. Ibraahim
Sh. Yuusuf, Xuseen Sh. Ibraahim Sh, Yuusuf, C/Rixiim Sh. Ibraahim Sh.
Yuusuf, Yuusuf Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Shukri Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf,
Raxma Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Sacdiya Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Saynab Sh.
Ibraahim Sh. Yuusuf, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Ibraahim Sigad
Miisaan Iyo Hodan Xuseen Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa
09/05/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Kheyr Qabana Kala
Hela. Aamiin.
Top
Ra’iisal-wasaarayaasha Israel iyo Falastiin Oo lagu Wado Inay Kulmaan. |
Qudus (W.Wararka) - Shir ay ku kulmayaan
Ra’iisal-wasaarayaasha Israel iyo Falastiin ayaa lagu wadaa in la qabto
maalinta Sabtida ee soo socota. Shirkan oo la filayo inuu ka qaybgalo
Guddoomiyaha Barlamaanka ee Falastiiniyiinta waxa haatan socota
qaban-qaabadii sidii uu kulankaasi u suurtogeli lahaa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Colin Powel ayaa dhawaan la
kulmay labada Ra’iisal-wasaare booqashadii uu ku marayay Bariga Dhexe,
isagoo labada dhinacba lasoo qaaday sidii loo hirgelin lahaa qorshaha
nabadda lagaga dhalinayo Bariga Dhexe ee uu Maraykanku gadh-wadeenka ka
yahay.
Ra’iisal-wasaaraha Israel, Ariel Sharon aqbalaada uu muujiyay inuu la
kulmo Ra’iisalwasaaraha Falastiin, Maxamuud Cabaas waxa ay muujinaysaa
inuu u soo debcay cadaadiskii ay adduunyadu ku haysay si uu u aqbalo nabad
waarta oo ka dhexdhacda labada dhinac.
Dhinaca kale, ciidamada Israel ayaa sii wada cadaadiska ay ku hayaan dadka
Falastiiniyiinta ah, iyagoo maalinba magaalo cusub weerar ku qaada, iyagoo
dhimasho iyo dhaawacba u geysta dadka Falastiiniyiinta.
Top
Boqol Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaad Leh Oo Ka Dhacay Sucuudiga
Dhimashada Iyo Dhaawaca Waxa Ka Mid Ah 50 Qof Oo U Dhaashay Maraykanka. |
Riyadh (W.Wararka) - Dad ku dhow 100 qof ayaa
ku dhintay in ka badan 160 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax
laxaad lihi ka dhacay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad habeen hore, kaasoo
lala beegsaday goob ay ka deggan yihiin muwaadiniin reer Galbeed ahi.
Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Guduhu dadka
weerarka geystay waxay adeegsadeen baabuur ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha
qarxa oo ay la beegsadeen Saddex goobood oo la deggan yahay, waxaanu intaa
ku daray in qaraxyada baabuurtaa laga dhex helay sagaal qof oo meyd ah,
kuwaasoo loo malaynayo inay yihiin kuwii fuliyay weerarada.
Af-hayeenka oo ka hadlayay qaraxyadaasi waxa kaluu sheegay in dadka
goobahaa deggan iyo kuwa weerarka soo qaaday ay is-weydaarsadeen rasaas
intii aanay qaraxyadu dhicin kahor, isagoo intaa ku daray inuu socdo
baadhitaanka arrintaasi loogu jiraa.
Dadka ku dhintay qaraxyadan oo gaadhaya 100 qof, inkastoo ay iska soo
daba-dhacayaan wararka arrintaa ku saabsani, waxa la sheegay in 10 ka mid
ah dadkaasi ay u dhasheen Maraykanka sida uu xaqiijiyay Madaxweyne ku
xigeenka Maraykanku, hal qofna uu u dhashay Ustareeliya.
Dadka dhaawacmay oo iyaguna gaadhaya 160 qof, waxa la sheegay in 40 qof oo
ka mid ahi ay yihiin Maraykan, kuwa kalena ilaa haatan lama kala sheegin
meelaha ay u kala dhasheen.
Madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlayay qaraxyadan ayaa si weyn u
cambaareeyay, waxaanu ballan-qaaday inay ka aar-goosan doonaan ciddii ka
dambaysay, isagoo intaa ku daray in dagaalka lagula jiro Argagixisadu u
yahay mid ilaa hadda taagan waxaanu ku tilmaamay inay ahaayeen falal
waxashnimo ah.
Qaraxyadani waxay ku soo beegmeen iyadoo uu haatan booqanayo dalka
Sucuudiga Xog-hayaha arrimaha dibedda ee Maraykanku, waxaana soo dhoweeyay
Wasiirka arrimaha dibedda ee Sucuudiga oo u muujiyay sida uu uga xun yahay
dadka Maraykanka ah ee ku dhintay qaraxyadaas.
Dalka sucuudiga waxa la sheegay inay ka shaqeeyaan 30,000 oo Maraykan ah
iyo ilaa 30,000 oo kale oo Ingiriis ah, kuwaasoo ka hawlgala wershadaha
iyo shirkadaha Shiidaalka ee dalkaasi.
Top
Pakistan Iyo Hindiya Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhigan Sidii Film Hindiya
Oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo Halaag. |
New-Delhi(Haatuf) Ergayga Maraykanku u Diray
dhexdhexaadinta labada Dal Ee Hindiya Iyo Pakistan Richard Armitage Oo
Ahna Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Ayaa wadahadal
Xoogleh la Yeeshay Hogaamiyayaasha labada Dal.
Mr Armitage oo la Hadlay Saxaafadda ayaa Sheegay In Uu ku Guulaystay
Heshiis Dhex Maray Dalalka Pakistan Iyo Hindiya Taas oo Sababtay ayuu
Yidhi Waa cusub Oo U Baryay Labad Dal Raysal wasaaraha Hindiya Atal Behari
Vajpayee iyo Madaxweynaha Pakistan President Musharraf ayaa labadooduba
Qiray Sida ay Uga Go,antahay Heshiis Dhex Mara Labada Dal Ee Ood Wadaagta
ah Ee Inta Badan Isla Soo Maray Colaada Gamuurantay ee ka Taagan Gobolka
Qaniga ah Ee Kashmir.
Hindiya ayaa U dirtay Ergay Cusub Caasimadda Islaamabad Halka Ay Pakistana
U Dirtay Ergay Cusub New-Delhi Waxa la Furay Xadka labada Dal U Dhexeeya
iyo gabi ahaanba Diyaaradaha labada Dal Iskaga kala Goosha Hindiya ayaa
Xidhatay xuduudaheed iyo hawadeeda ka dib markii Sanadkii 2001 bishii
December 13-keedii ay Kooxo Reer Kashmir ahi ay werar ku soo qaadeen
Baarlamaanka Dalka Hindiya. Werarkaas oo Ay Hindiya Dusha Ka saartay Dalka
Pakistan Taas oo Sababtay in Labada Dal kala Qaataan Diblomaasiyiintii u
Joogtay New-delhi iyo Islamabad, xidhayna Xuduudaha iyo Hawadda Dalalkaasi.
Maalimahan Xiiso Gooniya waxa ay Dadka Reer Hindiya u hayeen Jaraa,idka
Dalka Ka soo baxa kaas oo si faahfaasan uga waramayey Heshiiska Dalalka
Pakistan Iyo Hindiya waxana Farwaaweyn lagu Soo Dhigay Ciwaan Muujinaya is
dhex-galka Labada Umadood iyo Xubno Baarlamanka Pakistan ah oo Xadka ka
Soo Talaabaya iyagoo caleemo qoyan Sita Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha
Dibadda Ee Maraykanka Richard Armitage Oo Ah Odayga Ka Arrimanyey Muranka
labada Dal u Dhaxeeya ayaa Shaaca ka Qaaday Saacdo kaliya in Hashiis la
gaadhay. Taas oo fajicisa ku riday dadyaowga labada dal oo U Soo taagnaa
Hashiisyadii Miiska loo Soo Wada Fadhiistay Ee lahor iyo Agra kaas oo ay
aduunyaduna il Gooniya ku Eegaysay Akhirkiina la Ogaa waxa uu ku Danbeeyay.
Maanta Heshiiskan Labad Dal Gaadheen maaha mid ay kulmeen oo ay Miis isku
soo hor Fadhiisteen Hogaamiyayaasha Labada Dal Waa Hashiis uu Gadhwadeen
ka Ahaa maraykanku oo lagu kala saxeexday Telephone-ka Mana Noqon Doona
Mid waaraya Sida uu yidhi Ku Xigeenka Raysal wasaaraha Hindiya L.K.Advani
oo Ah Nin Hadalo Cad Cad. Waxanu Intaa ku Daray Mudane Advani .Haddii
Pakistan Soo Dayso Argagixisadda Hoyga ay Siisay oo Ay na soo weraraan
Heshiisku waa burburayaa.
Lala Krishna Advani Raysal wasaare ku xigeenka hindiya waa Ninka lagu
tuhunsan yahay in uu yahay ninka daah dabadiisa ka maamula dalka Hindiya
Mr Advani waa Nin Muslimiintu ugu yeedhaan in uu yahay Cadow-ga
Muslimiinta waxan ay jabhadaha Reer Kashmiir ku Balan Qaadeen in ay qoorta
ka Goyn doonan Mar ay ahaataba Raysal wasaare ku Xigeenka Mr Lal Kirshna
Advani Siyaasadda Xisbiga Taladda Dalka Hindiya Haya ee la Yidhaa PJB oo
ay is bahaysi la yihiin Urur-kale oo yar yar oo la isku yidhaa Dhamaantood
NDA. Ayaa loo fasiran karaa in PJB heshiiskan ka leedahay Ololaheega ku
wajahan Doorashadda Madaxtinimo Ee Bisha October ka Dhacaysa Dalka Hindiya.
Hishiisakna yahay Riwaayad ay labada Dal Isku Dhigayaan Waxana Durbaba
bilaabmay Ololaha Doorashadda. waxana Maanta Qudbad Ku wajahan Ololaha
Doorashadda ka Jeediyay Magaaladda Lucknow, Gudoomiyaha Xisbiga Samajwadi
Party oo Ah Xisbi Mucaaridda.
Xisbiga BJP ee uu Hormuudka ka yahay Rugcadaaga Atal Baheri Vajpayee Waa
Reysal wasaaraha Hindiye waa Xisbi Ay Aad ugu Badan Yihiin Dadyowga
Hinduga ah ee dalka U Badani Xisbiga BJP waa Xisbiga ka Danbeeyay Dumintii
Misaajidkii Caanka ahaa Ee Sanadaha Badan Soo Jiray Ee Babri Masjid Kaas
oo dhagaxdhagax ay u Qaadeen Boqolaal Kun Oo Hinduu ahi Sanadkii 1992.
Xisbiga BJP waxa ku Jira Ninkii Xasuuqay Muslimiinta Reer Gujarat Narayane
Modi kaas oo Dilay In Ka Badan 5,000 oo Qof Oo Aan waxba Galabsan Mr Modi
Mar kale Ayaa loo Doortay In uu Madax ka ahaato Gobolka uu ka abuuray
Xasarada Ka Dib Markii uu Ololaha Siyaasadda Ku Galay in ay Muslimiintu
Qabsan Doonan Dalka .Haddii Aad Na Dooran waydaan Waa sida uu yidhiye ..
Mr Modi waxa Uu Si Toosa u Cadaystay in uu Yahay Nin Neceb Cid Kastoo
Muslim Sheegata taas Oo Sababtay In uu Codod Badan ku Guulaysto. Gobolka
Gujarat 15% waa Dad Muslima Halka inta kale ay Yihiin Hindu.
Mucjisadda Xisbiga BJP waxa ka Mida Madaxweynaha Hindiya A.P.J Abdul Kalam
waligii Ma Guursan...Raysal wasaaraha Hindiya waligii Ma Guursan Ku
Xigeenka Raysal wasaaraha Hindiya Ninka Daaha Dabdiisa ka Maamula Dalku
waligii ma Guursan Modi Xubin sare oo pjb ka Tirsan Ahna Raysal wasaaraha
Gobolka Gujarat waligii ma Guursan. Taas oo Loo Macneeyay in ay la Sifa
Yihiin Culimadda laga Ducaysto Ee Hinduga Kuwaas oo ku sifaysan In Aanay
Guursan inta ay Tample-ka Joogan. Madaxdaasina wax ay isk Dhigayaan Si ay
Codod Shacbiga Uga Helaan Wadaado Jecel Diinta Hinduga.
Heshiiska labada Dal Dhex Maray waa Mu,aamarat Siyaasadeed oo la Doonayo
In PJB ay kaga Dhaadhicso Dadka Hindiya in ay BJP tahay Xisbi ku
Guulaystay Nabadii Cikranayd ee Mudada Dheer u Dhaxaysay Hindiya Iyo
Pakistan. Hashiiskaa Oo La Aminsan Yahay hadhow In Uu Burburi Doono marka
ay Dantooda Dhameystaan. Pakistan ayaa iyadana Dan weyn ka leh Heshiiskan
iyadoo iyana wadata Kaarto Siyaasadeed ay ku Doonayso in Indhaha caalamka
Tusto In ay diyaar u tahay La Dagaalanka Argagixisada iyo Ilaalinta
Xariiqda kala Qaybisa Labada Kashmir ee labada dal kala haystaan.
Abdiaziz Ahmed Mousa, Hindiya, Abdiaziz2@hotmail.com
Top
Guul Baa U Soo Hoyatay Somaliland. |
Waxa ku haboon in Xisbiga Kulmiye haddii
guushii laga helay ileyn haddii laba berento mid uun baa badin lahaaye uu
u haneeyo xisbiga ku guulaystay tartanka. Haddii inta lagaa badiyo
tartanka marba aad tidhaahdo anagu kuma qanacsanin waa wax lala yaabo.
Markii ay guddida doorashadu ay soo saartey natiijadii waxa xisbiga
kulmiye yidhi kuma qanacsanin oo anagaa badinay, markaa waxaanu
dacwadaayadii u gudbinaynaa maxkamada sare ee Somaliland. Waxa kaloo ay
sheegeen inay ku qanci doonaan waxa ay maxkamadu goyso. Mudane Siilaanyo
wuxuu BBCda u sheegay inanay Somaliland marnaba noqon doonin sida Somalida
kale oo aanay dhisi doonin laba dowladood oo is hor orda. Hadaba waxa la
yaab leh in markii ay maxkamadu qaraarkeedii goysey uu Mudane Siraayo
yidhaahdo anagaa badinay oo maxkamadu way naga eexatay.
Waxaan kula talinayaa Xisbiga Kulmiye iyo gudoomiyihiisa Mudane Silaanyo
in uu ilaaliyo Dastoorka iyo nabada ummada Somaliland oo uu ku qanco
go'aanka ay Maxkamadu soo saartey. Dunidu shanta sano ee ina haysa maaha
ee doorashooyin badan ayaa soo socda oo laga yaabo in uu xisbigiisu ku
guulaysto. Hadaba wax ha yeelin mustaqbalka xisbigaaga oo ilaasho in aad
haysato siina kordhisa taageerayaashaada. Haddii aad sidan ku socoto waxa
runtii dhici doonta in aad weydo taageerayaal badan. Umada reer Somaliland
dagaal way soo martey weyna baratey inaany wax uu dhimo moyee waxba
kordhin, markaa haysku ciyaarina oo ha duminina kalsoonida ay idiin siyeen
ummada reer Somaliland.
Waxaan maqlaa taageerayaasha Kulmiye oo ku dhawaaqaya waanu dagaalami
doonaa, waxa is waydiin leh yeey la dagaalami doonaan: Ma waxay la
dagaalami doonaan Ina Riyaale? Ma waxay la dagaalami Doonaaan Gudida
Doorashooyinka? Ma waxay la dagaalami doonaan Maxkamada Sare ee
Somaliland? Ma waxay la dagaalami doonaan Golaha Guurtida? Ma waxay la
dagaalami doonaan Golaha Baarlamaanka? Ma waxay la dagaalami dooonaan
Xisbiga Ucid? Ma waxay la dagaalami doonaan Xisbiga Udub? Ma waxay la
dagaalami doonaan Ciidanka Somaliland? Ma waxay la dagaalami doonaan
Walalahood, Abayaashood, ileeyn labadii wada dhashaa kala galey Udub iyo
Kulmiye eh.
Waxaan kula talinayaa in ay dhamaan xisbiyada doorashada ka soo qeyb galey
ay ku dadaalaan sidii ay hore ugu marin lahaayeen dalkooga hooyo. Dalka
waa wada leedihiin waa in aydun ka wada shaqeeysaan sidii aydun u dhisi
lahaydeen. Dowlada xukunka la siiyey waxaan kula talinayaa in ay isku
dayaan in ay u sheqeeyaan ummada Somaliland oo idil kii doortey iyo kii
aan dooranba. Waxa haboon in Madaxweynuhu Mudane Dahir Riyaale in uu dhiso
Dowlad Tayo leh oo anfacda dadka iyo dalka. Kana tage taladii hore ee
ahayd kursigaa waxa iska leh beesha reer hebel, una guuro ayaa kursigaa ku
fiican oo hanan kara, haduu ka waayo cid hanata xisbigiisa dhexdiisa waa
in uu eegaa xisbiyada kale oo uu ka soo qaataa kuna biiriyaa dowladiisa
cusub. Waa in uu siyaa wasiir kasta shaqo cayiman oo la yidhaacdaa sanadka
soo socda waa in aad qabataa a,b,&c haddii uu ka soo bixi wayana waa in la
keenaa midkale oo ka soo bixi kara kaalintaa.
Ugu danbayn waxaan kula talinayaa ummada reer Somaliland in ay ilaaliyaan
nabada ay halkaa ku soo gaadheyn, qofkii wax qoonsadaana ha ogaado in uu
haysto fursad uu kaga guulaysanayo ninka siyaasiga ah ee imika xukunka
hayo ileyn imika awood ayuu leeyahay wadanigu mar haduu isagu gacantiisa
ku hayo doorashada qofka u talin doona. Waa guul u soo hoyatey shacbiga
iyo dalka Somaliland.
Abdihakim Arwo, Cardiff, U.K.
Top
Jilba Dhiig, Waa Sheeko Taxane Ah Oo Uu Qoray Xasan Faarax Maxamed,
Waxaana Tafaftiray A. Ducaale. |
Sidii uu roobkii u da’ayey ayuu gabalkii dhacay,
baabuurkiina dhiidhi ayuu galay, dabadeed-na markii uu roobkii
qaadi-waayey isla markaana uu baabuurkii taayirada dhulka la galay, ayey
kirish-booyadii baabuurkii shiraaqa u xidheen, laakiin inkasta oo uu
roobkii weynaa, haddana habeenkii oo dhan waxa da’ayey roob gufucle ah.
Sidaa awgeed dadkii rakaabka ahaa habeenkii oo dhan waxay jirsanayeen
dhirta hoosteeda, waxayna la kulmeen dhaxan iyo hurdo-xumo, balse Biixi
iyo Xayaad kama qasna, waxayna fadhiisteen geed-yar hoostii, waxaana u
socota bahal sheeko ah oo xiise leh.
Biixi iyo Xayaad ma oga waxa dhaxan iyo qaboobe dhacaya, isla markaana
halka ay dadka kale qadh-qadhyo awgeed bawd-yaha isla dhacayaan, laakiin
Biixi iyo Xayaad waxay ku jiraan jawi diirimaad iyo farxadi ku
hadhaysantahay, waayo inta ay geed-yar oo qudhac ah hoos-fadhiisteen oo ay
laba bur oo yar-yar badhida saareen ayey bahal sheeko ah gadhka is-dareen,
iyaga iyo sooyaalkii taariikheed iyo waayihii ay soo mareen mar-ba baal
rogaya, waxaana ka mid ahaa hadaladii ay is-dhaafsadeen:
Xayaad: Walaal Biixi dhibaatooyinkii bad-naa ee I soo maray meel kale uma
tiriyo ee keliya waxaan u aaneeyaa inay raad ku leeyihiin nabsigii aan kaa
galay, waayo Soomaalidu hore ayey uga maah-maahday nabsiga, waxayna
yidhaahdeen “Nabsi iyo gabaw mid-na kuma gafo”, sidaa awgeed maadaama aan
aaminsanahay inay dibaatada igu dhacday ama ila soo deristay sababteedu u
iilanayso dembigii aan kaa galay, waxaan go’aansaday inaan ka daba tago
gefkii aan galay, waxayna taasi igu dhalatay markii aan yiqiinsaday
xanuunka uu leeyahay boholyowga jacaylku, baahidaasina waa ta maanta
halkan I marinaysa.
Biixi: Walaal Xayaad hadal qiimo badan oo murti iyo xaqiiq-ba xanbaarsan
ayaad tidhi, laakiin aniga laftaydu nabsiga aad ka cabatay iskama aan
fogayn, waayo waxaan xusuustaa maalintii aad iigu timid goobtii shaqada ee
magaalada London iyo sidii foosha xumayd ee aan kuu qaabilay, taas-na
dhaxalkeedu iima soo dhixin ee markiiba waan helay, waxaana si fiican u
kabbadday abaalka uu nabsigu leeyahay. Sidaa awgeed wixii dhacay cudur
daar ma leh, waayo wayba dhaceen, wax dhacayna lama odhan karo maxay u
dhaceen, oo Ilaahay baa xukunka iska leh.
Biixi iyo Xayaad markii ay intaa dhaafsadeen ayey u gudbeen marxaladda
hortooda taal, iyada oo uu qof waliba dhiniciisa diirka ka qaadayo
mawqifkiisa waqtigan xaadirka ah iyohalka ugu haboon ee ay talo ka qaban
karaan.
La soco.
Top
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa Qoray
Cabdi Caara-Dhuub. |
Gabayada laga tiriyey garta dhaqanka iyo
arrimaha la xidhiidha waxa kale oo ka mid ah gabay uu tiriyey abwaanka
caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), wuxuuna yidhi, “Inkastuu
muduci madal-weyne yimi, wax kastuu marsado, marley eedda qabo, oo
madaacalihi maansha allee garta marag ka yahay sharcigana metelo”,
tixdani waxay tafsiir ka bixinaysay meel ay cadaalad darro ka jirto oo ay
kii kula dacwiyey iyo xukunka kii ridayey ee xaakinka ahaa isku mid yihiin,
taasina marag u tahay in markhaati kasta oo wax kuu fura oo aad keento
koleyba aad gar-waa tahay, madashu madal cadaalad darro tahay oo ay ragga
garta qaadayaa yihiin rag cadaalad darro ku sifoobay sida xiliyadan dambe
dhacda, laakiin raggii hore ceeb ayey agtooda ka ahayd inay gar eexo
qaadaan, balse raggan qarnigan jooga waxba kuma aha inay gar-eexo qaadaan.
Aniga laftayda (C/Salaan Caara-dhuub) aya ka gabyey xiligan garaha weecsan,
waxaanan idhi “Madal iyo sheeko lagu ballamay, meel xun iyo saymo,
maalintay saraaay-na tahee lays muquunanayo, marka aan magta iyo geela iyo
moodka ka hadlaayo, waxaan nin meeshuu turqado aan la soo marine, maageer
adaan kuu ahiyo moos wax caabiya’e, siddan ahay hangool mee la yidhi malin
reer-degayo, inta kale miscililaha la dhigo mangadiyo shiishka, ma
duunyahaw sidiisii aniga hay mucaamiline”.
Saahid Qamaan ninkii la odhan jiray ayaa isna tiriyey gabay la xidhiidha
garaha cadaalad darrada u dhaca iyo cadaaladdu u tahay tiir-dhexaadka
nolosha, iyo weliba sida ay lagama maarmaanka u tahay in cadaalad wax lagu
maamulo ama lagu gar-qaado ama lagu wada dhaqmo, wuxuuna Saahid Qamaan
gabaygiisa ku yidhi “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi maso
inaanu nahay ooy tolnimo meerto noo tahaye. Masalaha ninkaan ii dhigayna
uma muraad yeesho, ninkii aniga iga maarmi kara midig ma saaraayo.
Muslinimo kuma cabiidsamo wallaah madaxa kaa goyne, muggii weel ma
dhaafooy tolow mooska yaan jebine”.
Waxa kale oo isna gabay la xidhiidha garnaqsiga tiriyey Maxamed Geelle,
wuxuna yidhi “Abas-kuul, Isaaq inaan la simo igama eegtaane, aanada rag
kale haw dhintee erey kalaan yaanay”.
Sidoo kale waxa is-na tiriyey gabay garaha la xidhiidha Qamaan Bulxan,
wuxuuna yidhi “Caliyow da’daan ahay waqaa looma duur-xulo’e, duq gaboobay
iyo wiil yar baa loo dedaa hadale, diirkaan ka garran xaajadaad dabaqa
saarteene, dib u joogso waan kula dacwiyi, doodna waan odhane.”
La soco.
Top
|