“Odayaasha Maanta Lagama Filayn Cambaaraynta KULMIYE Iyo Siilaanyo,”
C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde Oo Jawaab Ka Bixinayay Shir-Jaraa’id Oo Ay
Qabteen Guurtidu.Meher Wacan.
Hambalyo.
Muran Ka Aloosmay Qiimaha Markabkii La Iibiyay Ee Lug-Haya.
“Madaxweyne Rayaale Wuu U Baahan Yahay Siilaanyo Iyo
Faysal-Ba Inay La Shaqeeyaan,” Axmed Aadan Cige (Khabiir Culuunta Afafka
Ah).
URURKA QIIMEYNTA WAXQABADKA, Qaybtii: 7aad, Baananka.
Ururka EHEPO Oo Deeq U Qaybiyay Toddoba Dugsi.
Iftiinka Islaamka, Siciid I. Guraase.
Waadiga Ciyaaraha.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Taageero Iyo Talo-Bixin Xukuumadda
Cusub.
Yaa Ka Mas’uul Ah Waxbarashada Dayacan Ee Degmada Sheekh.
Jilba Dhiig.
Garta Dhaqanka.
|
|
“Odayaasha
Maanta Lagama Filayn Cambaaraynta KULMIYE Iyo Siilaanyo,”
C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde Oo Jawaab Ka Bixinayay Shir-Jaraa’id Oo Ay
Qabteen Guurtidu. |
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiye ku
xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde ayaa ka
waramay hawshii ay wadeen shirgudoonka labada gole iyo sida ay hawshaasi u
bilaabantay, isla markaana mudane C/Qaadir wuxuu ku dhaliilay odayaasha
shirgudoonka golaha guurtida ee ay hawsha ku wada jireen inay lumiyeen
kalsoonidii dhinaca xisbiga KULMIYE oo ay cambaareyn iyo canaan u soo
jeediyeen hogaamiyaha xisbigaasi, taas oo uu sheegay inay ahayd mid lama
filaan ah oo aanay odayaashu xaq ugu lahayn, sidaana wuxuu ku sheegay
waraysi uu siiyey TV-ga Somaliland ee Hargeysa oo xalay la baahiyey.
Mudane C/Qaadir wuxuu ugu horeyn ka waramay sidii ay ku galeen hawshii
Komishanka ee eedda badan looga soo jeediyey, isaga oo arrintaaa ka
hadlayana wuxuu yidhi “ waxa na soo galiyey hawshan may ahayn cabsi aanu
ka qabnay KULMIYE, ee waxay ahayd cabsi aanu ka qabnay UDUB, markii aanu
aragnay rag wasiiro ah oo leh Komishanka ha la xidh-xidho iyo rag wasiiro
ah oo ku talinaya yaanu hadline afka ha la qabto, ta meesha na keentayna
taasay ahayd ee may ahayn cabsi aanu KULMIYE ka qabnay ee dadweynuhu ha
ogaado.”
Mudane C/Qaadir wuxuu sheegay inay odayaasha guurtidu yihiin odayaal
dhaqameed, niyad wanaag-na way hayaan balse aanay fahamsanayn hawshan oo
kale iyo waxa ka dambeeya, isla markaana hawshani aanay ahayn tii iyaga
lagu halayn lahaa, arrintaasna dedaal weyn baanu ka galnay, dedaalkii aanu
ka galnayna waanu ku qanacnay, laakiin Mudane C/Qaadir wuxuu sheegay inay
arrintaasi dhinaca KULMIYE markii dambe ka keentay shaki iyo dareen tuhun
balse ay markii dambe kala hadleen xisbiga KULMIYE, inaanay iyagu wax
xumaan ah oo KULMIYE ku lid ah aanay u socon, wuxuuna intaa ku daray in
isaga C/Qaadir ahaan loo xil saaray dhinaca KULMIYE, waayo odayaashu waxaa
ku adkaatay guriga Siilaanyo oo marwalba dad badan, sidaa awgeed ay
odayaashu u xilsaareen isaga iyaga oo yidhi adaa nooga fara dhuudhuuban
xagga KULMIYE, laakiin marwalba waxaan dareensanaa inaanay arrintu ahayn
tii odayaasha guurtida faraha looga qaadi lahaa, sababta oo ah ka garnaq
doorasho xeerna uma lihin, xaqna uma lihin, indhahana iskamaanaan tuurayn,
laakiin cabsidaan aragnay iyo maxaa ka iman kara ayaa nagu kaliftay inaanu
xuduudayadii ka talaabsano, haddii aanu ka talaabsanayna waxaanu isku
daynay inaanu si mustuur leh, oo aan eed lahayn inaanu uga talaabsano,
waananu ku guulaysanay, labadaa musharax inta jeer ee aanu u tagnay iyo
balanqaadyadii ay noo balan qaadeen, laakiin mudane C/Qaadir wuxuu sheegay
inay odayaasha isku diideen oo ay isku k hilaafeen ma imikaynu ummadda u
sheegnaa mise hadhaw markay maxkamaddu ku dhawaaqdo, sidaaa awgeed aniga
doodaydu waxay noqotay in maxkamaddu inta aanay dhawaaqin aanu bulshada u
sheegno wixii aanu isla gaadhnay labada musharax, si ay markhaati uga
noqdaan, waayo waxaan u sheegay odayaasha inaanu hadhaw hadalkayagu qiimo
yeelanayn marka lagu dhawaaqo maxkamadda, taas oo anigu jeeday mar
haddaanay jirin talaabo sharci ah oo noo furan, inay dadweynuhu markhaati
ka noqdaan, oo labada musharax kii ka baxa hadhaw wixii lagu heshiiyey ay
ku ogaadaan, laakiin waxa nasiib darro ah in dedaalkii aan waday uu ku
dhacay mija xaabis, ee ay odayaashu ka hadheen, isaga oo arrintaa ka
hadlayana wuxuu yidhi “dedaalkii aan waday ee aanu halkaa soo gaadhsiinay
waatii odayaashu ka hadheen ee mija-xaabisku ku dhacay, ama odayaasha
garasho la’aan ha ka ahaato ama cid kale lugta ha qabatee, waatii la
mija-xaabiyey.”
Mudane C/Qaadir wuxuu sheegay in Kalsoonidii uu xisbiga KULMIYE siiyey
shirgudoonka labada gole, iyo C/Qaadir ahaanba ay weydawday, “waatii
shalay odayaashu shir jaraa’id qabteen, loogamana fadhiyin manta waano iyo
canaan ku waajahan KULMIYE, sida ka muuqatay shirkooda jaraa’id, laakiin
waxa looga fadhiyey tii ay aniga igu diideen, ee ay la lahaayeen marka ay
maxkamaddu dhawaaqdo ayaanu jeedinaynaa taladayada, inay jeediyaan, oo
haddii ay igala bakhayleen aniga oo yidhaahdeen aniga kuguma raacsanin
kuguma raacsanin inaad imika hadasho imika wakhtigoodii la gaadhay,
waxayna ahayd inay kaalintooda qaataan, oo wax isu soo dhaweeyaan, oo ay
ka hadlaan sidii wax la iskugu soo dhaweyn lahaa iyo wixii aanu ka
hadalnay, ee aanay hadalka ku soo koobin guubaabo, waano iyo canaan isku
dhafan oo ku waajahan Axmed Siilaanyo iyo KULMIYE” Sidaa waxa yidhi Mudane
C/Qaadir Jirde oo faahfaahinayey kaalinta ay odayaasha isku diideen.
Mudane C/ Qaadir Jirde wuxuu sheegay inuu Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE la
kulmay afar jeer, oo laba ka mid ah ay gaar isku ahaayeen, inta kalena ay
masuuliyiinta sare ee xisbigu goob joog ahaayeen, isla markaana uu
hogo-tusaaleeyey, inaanay xataa maxkamadda isku halayn, maadaama aan la
garanayn wax ka soo bixi doona, taasuna waxay ahayd mid aan ugu
nasteexaynayey iyaga, sababta oo ah maxkamadda waxa laga yaabaa inay
xisaab dib ugu noqoto, ama tiro dib ugu noqoto oo ay soo baxaan khaladaad
yar yari labada dhinac-ba, sababta oo ah macluumaadkii ay maxkamaddu
heshay ayaa khaladaad ka buuxay, ee intay goori goortahay qaraar gaadha,
maxkamaddana ha xujaynina, ujeedadayduna waxay ahayd adiga (Axmed
Siilaanyo) oo Mujaahidkii weynaa ah, ayaad isa soo sharaxday, 42% dadkii
codeeyey ayaa kugu aaminay xilka hogaanka dalka, xaqiiqadda marka loo
hadlo waxaad haysataa waa 42%-kaa hadday maanta adiga kuu kuu xukunto
Maxkamaddu iyo Hadday Daahir u xukunto labadiinaba aqlabiyaddii dadku way
idin diiday, laakiin xeerkaynu dhiganay ee inoo yaala sax iyo khalad
midkuu yahay, ninka nin hal dheeraada ayaa Madaxweyne ah, taana muran kama
taagna, laakiin 58%-ka labadiinaba idin diiday, ahmiyad waxay yeelanaysaa
markaad wax dhisayso, dad aqlabiyadiisii ku diidayna talada kaligaa ma
yeelan kartaa, intii ku diiday sideed u soo xero gelinaysaa, maxaad ku
qancinaysaa, dariiqeed-se u maraysaa.”
Mudane C/Qaadir wuxuu intaa raaciyey in waxa kaliya ee la isku qancin
karaa ay yihiin in la is hor-fadhiisto, oo nin waliba uu isku qanciyo
marka hore ama Daahir ha ahaado ama Siilaanyo ha ahaadee, inaanu talada
dalka kaligii la jeesi Karin, isaga oo aaminsan inaan aqlabiyaddii dadku
midna dooran, laakiin mudane C/Qaadir inaanay iyagu u yeedhinayn oo aanay
odhanaynin sidaa yeela iyo sidaa yeela, laakiin ay tahay wadada loo marayo
heshiiska axsaabta, isla markaana marka la is-horfadhiisto ay iman doonaan
proposalo, marka ay arrintaa isku afgaran waayaan axsaabtu waxa loo
baahanayaa ayuu yidhi C/qaadir kaalintayadda, laakiin inta ka horeysa ay
hawshooda u daayaan. Balse wuxuu intaa ku daray inay labadaba khasab kaga
dhigeen, inaanay ka maarmi Karin inay kulmaan, tii aan odayaasha ka
filayeyna waxay ahayd inay arrinta halkii ka sii ambaqaadaan, ee aanay ku
soo gebagebayn waano, canaan, iyo hoga-tusaalayn dhinac kaliya ku wajahan.
Mudane C/Qaadir waxa uu sheegay inay iyagu go’aanka maxkamadda ka hor ay
arrintan galeen, iyaga oo is weydiinaya marka uu dhaco go’aanka maxkamaddu
waxyaabaha ka dambeeya, sidaa awgeed aanu shaki ku jirin oo la isku hayn
madaxweynaha ee waxa la isku hayaa ay tahay madaxweynahaasi kaligii wax ma
dhisi karaa, wuxuu dhisaa ma shaqayn karaa, laakiin Mudane C/Qaadir wuxuu
intaa ku daray in go’aanka maxkamaddu uu yahay mid aan la dhaafi Karin,
isla markaana aanu jirin dariiq kale oo furan KULMIYE wuxuu tusaale u soo
qaatay tartankii muranka dhaliyey ee doorashada Maraykanka oo ay ku
tartamayeen Madaxweyne Bush iyo Algore oo uu markii ay maxkamaddu ka
xukuntay Algore yidhi “go’aanka waan qaatay, laakiin maxkamadda kuma
kalsooni.”
Mudane C/Qaadir wuxuu ka hadlay siyaasadda Somaliland ee ku waajahan
cadawga dibadda wuxuu xusay in Somaliland oo xiniinyaha is-haysata iyo
xukuumadda oo talada la jeesta aanay waxba ka tari doonin dawladda la
doonayo in loo soo dhiso Soomaalida iyo C/Laahi Yuusuf toona, balse ay wax
ka tarayso haddi la dhiso dawladda loo dhan yahay oo tayo leh, Oo iska
caabiyi karta cadawga dibadda.
Top
Ifraax Maxamed Isxal, Muna Khaliif Cabdi,
Muwaahib Maxamed, Saamiya Axmed Ibraahim, Fataax Cali Diiriye, Khadra
Aadan Bul-Bul, Suhuur Muuse Muxumed, Samsam X. Cabdi, Hodan Axmed, Dhamaan
Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Axmed Muuse
Muxumed Iyo Sucaad Maxamed Warfaa Oo Isku Mehersaday Dalka Faransiiska;
Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga, Ubad Khayr Qabana Kala Hela.
Aamiin
Meher Wacan
Aabo Muuse Muxumed, Hooyo Aamina Aadan, Ibraahim Muuse Muxumed, Xasan
Muuse Iyo Xaaskiisa, Rooda Muuse Iyo Wiilkeeda, Cabdi Muuse Iyo Xaaskiisa,
Maxamuud Muuse Iyo Xaaskiisa, Suhuur Muuse Iyo Carruurteeda, Ayaan Xasan
Raabi, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka
Axmed Muuse Muxumed Iyo Sucaad Maxamed Warfaa Oo Isku Mehersaday Dalka
Faransiiska; Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga, Ubad Khayr Qabana
Kala Hela. Aamiin.
Meher Wacan
Roda Muuse Muxumed Iyo Wiilkeeda Khaalid, Maxamed Baashe, C/Raxmaan Baashe,
Axmed Xasan, Siciid Xasan, Ikraan Xasan, Caydaruus Xasan, Hodan Axmed,
Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Axmed
Muuse Muxumed Iyo Sucaad Maxamed Warfaa Oo Isku Mehersaday Dalka
Faransiiska; Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga, Ubad Khayr Qabana
Kala Hela. Aamiin. Top
Sahra Muuse Madar, C/Rashiid C/Laahi Cabdi,
Mukhtaar Ismaaciil Xuseen, Ifraax X. Maxamuud, Ifraax Atadhe Iyo Wiilkeeda
Ismaaciil Cali, C/Kariim Maxamed Atadhe, C/Casiis Maxamed Atadhe, C/Wasiic
Maxamed Atadhe, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Nimcaan X. Maxamuud
Iyo Nimco Maxamed Yuusuf Atadhe Oo Ku Aqalgalay Magaalada Jigjiga Ee Dalka
Ethiopia. Waxaanay leeyihiiin noqda kuwii isku waara, ubad kheyr qabana
kala hela. Aamiin.
Top
Muran Ka Aloosmay Qiimaha Markabkii La Iibiyay Ee Lug-Haya. |
LUG-HAYE (Haatuf) Markabkii kusoo caaryay
xeebaha woqooyiga hargeysa ee lug-haye dabayaaqadii sanadkii hore ee
oktoobar oo ay dhowaan xukuumada s/land ka iibisay ganacsato shisheeye ah
isaga iyo alaabtii saarayd,ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran ku
saabsan qiimaha lagu iibiyay, taasoo keentay inay hakad gasho alaabtii
lagu wareejinayay labada markab ee dultaagan oo ay ganacsatada laga
iibiyay markabkaasu. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada lug-haye
waxa jira ismaandhaaf u dhexeeya masuuliyiinta hawshaa uga wakiil ahaa
xukuumada iyo ganacsatadii laga iibiyay makabka iyo xadiidka saarnaa oo
qiimaha markii ho re la siiyay ahaa (2,000 000) laba milyan oo
dolar,lacagtaas oo ay xukuumadu ku gashay kaanbeynkii doorashada, laakiin
sida wararku sheegayaan waxa muran ka dhashay qiimaha lacagta ee markii
hore lagu heshiiyay, kadib markii ay xukuumadu ka dalbatay ganacsatada
shisheeyaha ah inay kordhiyaan lacagta, iyadoo sida waraku sheegayaan uu
wasiirka arrimaha gudaha ismaaciil aadan cismaan fara gelin ku sameeyay
isagoo aan markii hore ku lug lahayn,balse ay diideen ganacsatada markabka
iyo xadiidka saran iibsatay.
Waxana wararku intaa ku darayaan inay arrintaasu keentay inay hakad gasho
hawshii markabka lagaga wareejinayay xadiidka saran,warku wuxu intaa ku
daray in murankani kusoo beegmay iyadoo uu mid ka mid ah labada markab ee
qaadi lahaa xadiidku qaaday shixnadii u horaysay ee laga qaado markabka
soo caaryay. Markabkan oo ay dhowaan iibiyeen wasiirka kaluumaysiga axmed
xuseen oomane oo hawshaa uga wakiil ahaa xukuumada iyo koox ganacsato ah
oo labada dhinac ee xukuumada iyo ganacsatada wax iibsanayay u dhex eeyay
ka mid ah wakiilada maraakiibta, waxana halkaa ku sugnaa laba markab oo
qaadi lahaa xadiidka saran iyo laba taag oo oo loo qorsheeyey inay jiidaan.
Markabkan oo magiciisu ahaa Naadi, waxa lahayd shirkad magaceeda la
yidhaahdo Naadi, wuxuuna kasoo kicitimay, 30 ogost, 2002,kinaalka
suweys,isagoo markii hore ka yimi dekeda Novorossifk ee ku taal dalka
ruushka wuxuna u siday shixnada saarayd dalka shiinaha,laakiin markii uu
soo gaadhay marinka biyaha ee baabal- mandab ayay ku timi cilad xaga
mishiinka ah,taasoo keentay inuu kusoo caaryo xeebta Somaliland ee lug-haye.
Top
“Madaxweyne Rayaale Wuu U Baahan Yahay Siilaanyo Iyo Faysal-Ba Inay La
Shaqeeyaan,” Axmed Aadan Cige (Khabiir Culuunta Afafka Ah). |
Hargeysa (Haatuf) Axmed Aadan Cige oo ah ruug
caddaa khabiir ku ah culuunta afafka Soomaaliga iyo carabiga ayaa ka
hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dawlad wadaag ah la dhiso,
dawladaas oo ay u dhan yihiin saddexda xisbi ee ay dadweynuhu soo doorteen
ee KULMIYE, UDUB iyo UCID.
Khabiirku shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Ming Sing Hotel waxa uu
kaga hadlay arrimo door ah oo dhinacyo badan taabanaya, isaga oo sheegay
inay saddexda xisbi ee aqlabiyadda dadweynuhu ku soo doorteen ay isu
baahan yihiin, haddaanay maanta wax wada qabana taasi ay keeni karto dib u
dhac ku yimaada dalka, hogaamiyayaasha saddexda xisbi ee la doortay laguma
dooran qabyaalad, balse axsaab baa lagu doortay, waxa markaa saddexda
xisbi hogaamiyayaashooda looga doonayaa si wanaagsan in ay hogaanka dalka
u qabtaan ayey dadweynuhu ka rajaynayaan.
Khabiir Axmed isaga oo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi, “Madaxweyne
Rayaale wuu u baahan yahay Gudoomiye Siilaanyo, iyo Gudoomiye Faysal Cali
Waraabe oo ay la shaqeeyaan, dadwenahana ay u sheegaan in xilligan
qabyaaladda laga gudbay oo imikana loo gudbay xilli cusub, hogaamiyayaasha
xisbiyadda ayey dadweynuhu wax ka maqlayaan markaa waa in ay taas u
sheegaan, inta ay axsaabtu ka gaadhayso wakhtiga baarlamaanka iyaga ayuun
baa la doortay.”
Axmed mar uu ka hadlayey sida aanay axsaabtu u kala maarmi karin wada
shaqayntoodu wuxuu yidhi, “Ragga ay boqolka kun ee qof ee aanay garanayn u
codeeyeen waa madaxda sadexdaa xisbi ee kalsoonida ay dadweynuhu siiyeen,
markaa haddii ay wada shaqayn waayaan ama wixii kale ee meesha soo galaa
waxay dib inoogu celinayaan tii hore, axsaabtu inta ay siyaasadda
baarlamaanka gelayaan, madax kale malaha, markaa raggani waxay madax u
yihiin umadda oo dhan, sidaa darteed waa inaad wada shaqaysaan, oo umadda
ka saartaan dhibaatadda, waad ogtihiin waxbarasho la’aanta maanta
dhalaankeena haysata, haddaan maanta wax loo dhigin ama caafimaadka wax
laga qaban ma 20-sano dabadeed baa wax loo qaban doonaa, waxaan hadalka ku
soo koobayaa waad isu baahantihiin arrinka idin horyaala-na waa dagaal,
waxaad-na ka gudbaysaan, dagaalkaas idinka oo wada shaqeeya garbahana is-qabsada,
qabyaaladda sida looga tagayo oo dawlad tayo leh oo sharci tayo leh oo
sharci loo samaynayo waa dagaal, saddexdaa xisbi ragga u madaxda ah ee la
doortay ayuun baa inaga saari kara, idinkuna ha is-dhayalsanina,
axsaabtana waxaan leeyahay ma’aha haddaan idin leenahay heshiiya in aad
tidhaahdaan hal la qalay baa lagu soo qamaamay ee inoo qaybiya, waxba la
qaybin maayo, wax la qaybiyaaba meesha ma yaalaan, ragga axsaabta
badankoodu waxay u haystaan in kuraasta la qaybsanayo oo ninba halka hashu
u macdahay oo qiimo roontahay isku beegayo, taasi ma’aha wax dadku u jeedo
ta dhibaatooyinka inaga saaraysana ma’aha, xisbiyadda laftoodu waxaan
anigu qabaa in ay u baahan yihiin dib habayn, dagaalkaas aynu galayno ee
ah in qabyaaladii laga saaro maamulka dawladda oo tayo loogu yeeli karaa,
markaa axsaabta iyo ragga foodka la siiyey in ay midhkaas isugu tagaan oo
dagaalka ay wada jir u galaan, doorashada ka dib waxaan anigu aaminsanahay
in raggii la doortay ay rag qiimo leh yihiin, rag noloshoodii weligood
siiyey sidii ay umadan loo horumarin lahaa, markaa jaanis maanta way wada
haystaan oo in ay wax wada qabtaan weeye, oo jiilka yar yar iyo kuwa dhexe
loo iftiimiyo intaba bal in ay dawlad wanaagsan dhici karto oo jiri karto
idinkaana u haya kartideediina waad leedihiin, huuhaa-dii horena aad uga
baxdaan kartideedii waad leedihiin markaa waa inaad wada-jir u shaqaysaan.”
Top
URURKA QIIMEYNTA WAXQABADKA, Qaybtii: 7aad, Baananka. |
Baananku kaalin weyn ayey ku leeyihiin
horumarinta dhaqaalaha dalalkoodu, waxaynuna wada ogsoonahay Baananku
maalgashiga iyo maalgelinta ay la garab taaganyihiin ganacsiga iyo
dhaqaalaha dalalkooda. Shirkadaha waaweyn ee aynu aragnay tirada iyo
tayada waxsoosaarkooda ee magacyadoodu dunida ku fideen [sida Toyota,
Microsoft, Bayer, Sony, iwm] umay hanaqaadeen sida ay hadda yihiin haddii
aanay Baananku siinin taageero dhaqaale iyo aqooneedba.
Waxay baananku ku taakuleeyaan ganacsiga, iyo guud ahaan dhaqaalahaba,
xirfad lagaga baaraandego qorshaha horumarinta dhaqaalaha, waxayna
macaamishooda ugu deeqaan macluumaadka looga baahan yahay barnaamijyada la
fulinayo iyo suuqyada loo ganacsi tegayo. Taas macneheedu wuxuu yahay
waxay noqdaan sahanka dhaqaalaha, islamarkaana waxay ka qeyb qaataan
fulinta hawshii ay sahankeeda wax ku lahaayeen, waxayna heshiis laba
dhinac ah ku oggolaadaan kuna bixiyaan qayb ka mid ah hantida mashruucyada
ganacsi.
Halkaas waxaa inooga cad in ay baananku yihiin udub dhexaadka ay isku
taagaan dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo guud ahaan dhaqaalaha aduunka.
Baananku waxay qaadaan xilka ilaalinta qiimaha lacagta iyo maalgelinta
ilaha dhaqaalaha dalalkooda. Kaydka lacageed iyo hantiyeed ee kale ee
baananku ururiyaan wuxuu waxtar u yeeshaa xafididda hantida umadda iyo
miisamidda xadka lacageed ee suuqyada, waxana hantidaas ururtay looga
faa’iideystaa maalgelinta ilaha dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, haddii
Baanka Dhexe la yimaaddo maamul qorshaysan oo ku qotoma aragti dhaqaale oo
miisaaman, waxay sabab u noqotaa xal u helidda sicirbararka dhaqaalaha soo
waajaha. Qabashada kaydka lacagta iyo ku bixinta qayb ka mid ah kaydkaas
oo uu baanku siiyo mashaariicda maalgelinta u baahan ayaa saldhig u ah
qorshaha miisaaman ee lacagta dalka, taasina waxa ay keenta dhaqdhaqaaqa
lacagta ee xawliga geliya adeegyada ganacsatada.
Haddaba, haddii taas la waayo maxaa meeshooda soo gelaya? Waxaa dalka
aafaynaya laba cudur-dhaqaale oo is xambaarsan: fadhiidnimo dhaqaale iyo
sicir barar. Maalgelin la’aanta ilaha dhaqaale ee dalku waxay keentaa
dhaqaale burbu, shaqo la’aan iyo busaarad baahda. Sidaas si le’egna,
kaydin la’aanta iyo kala-horid la’aanta lacagtu waxay hooyo u noqdaan
sicir bararka maciishadda aafeeya.
Haddaba, su’aashu waxay tahay, si looga badbaado mixnad dhaqaale, maxaa
looga baahanyahay in ay qabato dawladdii quudaraynaysa in ay maarayso
mishkaladahan is huwan?
Su’aashaa jawaabteeda waxaynu ka dhex heli karaynaa inagoo eegna nidaamka
baananka ee caalamiga ah iyo xidhiidhka ka dhexeeya baananka iyo
dhaqaalaha suuqa xorta ah [Market economy] dabadeedna aynu ku biirino talo
bixinta nidaamka hadda baankeenan loo agaasimo. Waa suuragal in ay
baananka adduunku ku kala geddisanyihiin dhinacyada awoodda dhaqaale
laakiin waxaa macaamilka ganacsi ee dunida ka dhexeeyaa ku khasbay in ay
baananku, qaarad kasta oo ay ku yaallaan, ka midaysnaadaan arrimaha
qaarkood taasoo gundhig u noqonaysa in ay is fahmi karaan, is aamini
karaan isla markaana yeelan karaan xidhiidh aan carqalado lahayn. Taasi
waxay ku kelliftaa dawlad kasta oo go’aansata in ay ku dhaqanto nidaamka
dhaqaalaha furfuran in ay raacdo hannaanka baananka ee la isla ogolyahay.
Waxaa jira ururro (Associations) iyo machadyo (Institutes) caalami ah oo
nidaamiya habka laga doonayo wada shaqaynta baananka kuwaasoo habraacyo
(Procedures) u sameeya waxyaalaha ugu muhiimsan ee looga baahanyahay in ay
hay’adda baananku ku dhisnaato. Sidoo kale waxaa kaalin weyn kaga jirta
habka wada shaqaynta baananka hay’adda loo yaqaano Rugta Ganacsiga Ee
Caalamka (International Chamber of Commerce). Talooyinka ka soo baxa
meelaha aynu kor ku soo sheegnay waxay isugu soo biyo shubtaan astaynta
tilmaamaha ay yeelanayso hay’adda baananka ee hanaqaadka ah, gaar ahaanna
Baanka Dhexe oo ah saldhigga laga diiwaan geliyo, laga kormeero, ayna ka
soo abuurmaan baananka kale.
Markaynu qodobada ugu muhiimsan ka soo qaadano tilmaamaha lama huraanka u
ah Baanka dhexe ee dal dhaqaalihiisu furfuran yahay [aan shuuci ahayn]
yeelan karo, waxaynu ka soo qaadan karaynaa:
Hay’ad kastaa waxay ka bilaabantaa shuruucda. Ugu horrayn Baanka Dhexe waa
in loo dhammaystiro shurciyadii lagu maamuli lahaa hawlihiisa: xeer
hoosaadyadiisa, daabacaadda lacagta, abuurista iyo ilaalinta baananka
madaxa bannaan, maalgelinta, nidaaminta hay’adaha kale ee hoos yimaadda,
iwm.
Waxaa hay’adaha baananku leeyihiin qaabdhismeed kala saara Baanka Dhexe
iyo baananka kale ee gaarka ah ee shacabka iyo sharikaduhu adeegyadooda
isticmaalaan. Baanka Dhexena waa diiwaangeliyaha iyo kormeeraha baananka
kale.
Waxa Baananka Dhexe leeyihiin xafiisyo leh dad aqoon leh, isla markaana
qaabilsan diiwaangelinta, talo siinta iyo dabagalka baananka ganacsiga iyo
hay’adaha maaliyadeed ee kale.
Baananka dhexe waxay golayaasha sharci dejinta iyo xukuumadda soo
hordhigaan miisaaniyadooda iyo lacagaha ay soo daabacayaan, waxayna ku
hawl galaan marka loo ansixiyo.
Baananka Dhexe waxay sannadkiiba hal mar sameeyaan warbixinta xisaabxidhka
baanka iyo soo koobidda xisaabxidhyada baananka kale ee ay liisamada
siiyeen waxaana lagu faafiyaa wargeysyada aadka loo akhristo iyo qoraallo
gaar ah oo la qaybiyo. Waxaa si gaar ah loogu gudbiyaa una faaqida Golaha
Wakiilada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Golaha Wasiirada. Warbixintani ma
noqon karto qarsoodi. Baananka dhexe waxay soo saaraan warbixinaha
dhaqaalaha dalalkooda iyo saadaashoodaba, waana saldhigga ugu weyn ee had
iyo goor laga helo xogaha dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaas.
Baananka dhexe waxay kaalin xooggan ka qaataan jihaynta iyo kobcinta
dhaqaaalaha dalalkooda iyagoo dhiirigelinaya maalgeinta (shisheeyaha iyo
muwaadiniintaba) islamarkaana sahaminaya, tilmaamayana tiirarka dhaqaale
ee maalgashiga u darban. Sidaasi si le’eg waxay jiheeyaan deynka ay
bixinayaan baananka dalalkoodu si saamiyada ku habboon loogu kala
maalgeliyo tiirarka dhaqaalaha.
Baanka dhexe waa hay’adda keliya ee gaar u leh mas’uuliyadda ilaalinta
qiimaha lacagta dalka. Wuxuu xil gaar ah iska saaraa la dagaalanka sicir
bararka.
Baanka Dhexe waa hay’ad leh xilka soo daabacaadda iyo suuq soo gelinta
lacagta.
Baananka Dhexe waxay mar kasta la socdaan heerka teknoolojiyada, aqoonta
xisaabaadka iyo maamulka lacaguhu marayaan. Waxay shaqaalohooda iyo
shaqaalaha hay’adaha ay diiwaangeliyaanba u fidiyaan aqoon isweydaarsiyo
iyo tababarro la xidhiidha kobcinta xirfadaha mihnadooda.
Haddaba, marka aynu u fiirsano qodobbada kor ku xusan waxaa inoo
muuqanaysa waxyaabaha looga baahanyahay Baanka Dhexe inuu ku talaabsado si
uu u noqdo mid leh tilmaamaha Baananka aduunka isla markaana awood u leh
inuu buuxiyo kaalinta shaqo ee qaranka iyo umadduba ka sugayaan. Haddaynu
si kooban u muujino qorshaha maanta wax loogu qaban karayo hay’addeena
baananka waxaynu ka tilmaami karaynaa baahida jirta:
In la dhammaystiro shuruucda ka dhiman hawlaha baanka: Waa in la sameeyo
dhammaan xeerarkii kala hagi lahaa hawlaha baananka. Xeerarkani waa in ay
ku bilaabmaan in dib loo eego laguna dhaqmo xeerkii baanka dhexe lagu
aasaasay. Waa in bal marka hore lagu hawl galo inta uu qorayo, kadibna
daraasad lagu sameeyo sidii loogu soo biirin lahaa qodobbada muhiimka ah
ee ka maqan. Waa in xeerka laga dhigo mid aan mugdi gelinayn la socoshada
maamulka hantida baanka ee ay la soconayaan hay’adaha sharcidejinta iyo
maaliyadda iyo hantidhawrku.
In la Kala saaro Baanka Dhexe iyo Baananka kale: Waxaa dunida oo dhan
looga aqoonsanyahay baanka dhexe in uu yahay baanka diiwaangeliya,
tilmaama, isla markaana kormeera baananka kale. Ma jirto, dunida ku
dhaqanta nidaamka dhaqaalaha furfuran, ee Dastuurkeenuna ina farayo, meel
ay Baanka Dhexe (Central Bank) iyo Baankii ganacsigu (Commercial Bank)
isku dhex milmaan. Mar haddii uu Baanka Dhexe yahay kan baadhaya,
kormeeraya, dabagalkana ku samaynaya waxa haboon in la kala saaro sida ku
cad xeerka baanka Somaliland lagu aasaasay qodobkiisa 48aad. Sidaas
darteed waxa uu Ururka “WAX U QABO” u arkaa qodob aad u muhiim ah in sida
ugu dhakhsaha badan Baanka Dhexe loogu sameeyo shakhsiyaddiisa sharciyeed
oo u gaar ah lagana dhex saaro hawlaha baananka ganacsiga. Arrintani waxay
keenaysaa in uu baanka dhexe fursad u helo inuu guto waajibaadka
ballaadhan ee uu qaranku ka sugayo.
In Baanka lagu tayeeyo teknoolojiyada cusub: Mar haddii Baanka Dhexe iyo
baananka abuurmaba laga sugayo in ay yeeshaan awood xirfadeed oo ay kula
xidhiidhi karaan Baananka Caalamka waxaan sinaba looga maarmayn in kor loo
qaado tayadiisa shaqo taasoo lagu qiyaasi karayo sida ay hay’addani ula
socon karayso nidaamyada casrigan ee la wada isticmaalo. Waa in tababarro
loo furo madaxda iyo shaqaalaha baanka lana baro adeegsiga iyo
faa’iidooyinka qalabka casriga ah.
In Baanku samaysto xafiisyo (departments) waxkuool ah oo ka hawlagala
ururinta xogta dhaqaalaha, saadaasha dhaqaalaha iyo sahaminta ilaha u
darban maalgelinta: Khayraadka badda, beeraha, xoolaha, macaadinta,
dalxiiska iyo qaar kaleba waxay u muuqdaan kuwo leh baaxad lagaga faa’iidi
karo haddii si fiican loo adeegsado. Mid ka mid ah nabarada ugu waaweyn ee
dhaqaaleheenu la liigayo maanta waxaynu ku tilmaami karaan xog-uruin iyo
bandhigis la’aanta ina haysata. Si taasi wax looga qabto, baanku (iyadoo
ay jiraan hay’ado dawli ah oo kale oo xilkan la haysa) waa in uu aqoon
ahaan iyo miisaaniyad ahaanba si gaar ah xil isaga saaro abuurista
istaraatijiyad iyo xafiisyo ka hawl gala ururinta iyo kala shaandhaynta
xogta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.
Waa in iyadoo laga duulayo xogahaasi la hayo la sameeyo saadaasha itijaaha
dhaqaaleheena, loona gudbo sahaminta meelihii lagu jeedin lahaa
maalgelinta. Xogahaasi waxaa laga hindisi karayaa barnaamijyo dhaqaale/ganacsi
oo faa’iido-dhal ah. Sahan ku dhisan aqoon iyo waaqiciyad wuxuu inoo soo
jiidayaa in dalkeenu hanto damaca maalgeliyeyaasha shisheeye (Foreign
Investors) iyo kuwa maxalliga ahba. Waa in baanku abuuro qoraallo
(publications) lagu soo bandhigo xaaladda dhaqaale ee dalka iyo ilaha u
baahan maalgashiga. Ma jirto cid oggol in ay hanti gashato meel aan wax
war ahba laga hayn.
Soo bandhigidda dhaqdhaqaaqa Baanka dhexe iyo baananka abuurma: Si aynu u
hubsan karno sida loo maamulayo hantideena isla markaana aynu mugdiga iyo
tuhunka xaaraanta ah meel isaga dhigno waa in la raaco hanaanka baananku u
shaqeeyaan. Waa in Golayaasha xeer dejinta (Baarlamaanka), Golaha
Xukuumadda iyo shacbigeenaba loo soo bandhigo sannad walba warbixinaha
guud ee maaliyadda baananka.
Hantidhawrka (badhista) Baanka Dhexe: In baadhis ama hantidhawr madax
bannaan lagu sameeyo warbixinta maaliyadeed ee baanka dhexe waa qodob
sharci ah, sida ku cad qodobka 54aad ee xeerka Baanka Somaliland lagu
aasaasay. Waxana haboon in si degdeg ah qodobkaas loogu dhaqmo. Taasi
waxay toosinaysaa qaabka loo adeegsanyo hantida baanka, sidaasi si le’egna
waxay meesha ka saaraysaa tuhun badan oo la kala qabo.
Top
Ururka EHEPO Oo Deeq U Qaybiyay Toddoba Dugsi. |
Hargeysa (Haatuf) ururka Samafalka wadaniga ah
ee la yidhaa EHEPO ayaa maalintii shalay deeq qalabka wax lagu barto ah
kana kooban buugaag, qalimaan, iyo tamaashiir u qaybiyey 7 dugsi oo ay
iyagu maal geliyaan, kuna kala yaal Hargeysa.
Xafladdii qaybinta qalabka oo lagu qabtay British Institute oo ku yaal
waaxda 26 June waxa ka hadlay agaasimaha guud ee ururkaas C/Wahaab Daa’uud
Guuleed waxaanu sheegay in aanay deeqdani ahayn mid ay cid kale ku
caawisay balse ay tahay mid xubnaha ururkaasi iska ururiyeen si ay u
dhiirigeliyaan ardayda iyo macalimiinta dugsiyadaas. Waxaanu intaa ku
daray inay deeqdan u bixinayaan maadaama ay dadka maanta Hargeysa ku
dhaqani aanay wada awoodi karin inay carruurtooda u iibiyaan qalabka
waxbarashada, sidoo kale ay macalimiinta dugsiyadaasi ay ku shaqeeyaan
Volantary inay iyagu ka caawiyaan qalabka waxbarashada. Isla markaana ay
ku dhiiri geliyaan ardayda inay waxbarashadooda wataan.
C/Wahaab waxa uu intaa ku daray in ururkoodu qabto hawlo kala duwan oo ay
ka mid yihiin ilaalinta deegaanka, wacyigelinta iwm, balse ay awooda
saareen dhinaca waxbarashada maadaama ay ururka intooda badani yihiin
macalimiin isla markaasna ay dadkooda ku caawiyaan khibaradooda.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay madaxa wacyi-gelinta ururkaas Axmed
Xasan Diiriye oo u mahad celiyey martida ka soo qayb gashay xafladaasi.
Deeqda ururkan oo isugu jirtay buugaag iyo qalimaan iyo tamaashiir ayaa
loo qaybiyey dugsiyadaasi.
Top
Iftiinka Islaamka, Siciid I. Guraase.
|
Siiradii Nebi Muxamed Scw Iyo Faafitaankii
Islaamka Q:3aad.
Markii ugu horreysey ee Rasuulka uu waxyiga ku bilaabanayey waxaa lagu
bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada ugu imaaneysey oo u cad sida oogga
waabberi oo kale. Riyaadaas waxay socotey muddo lix bilood ah Rasuulku SCW
wuxuu jecleystey inuu meel gaar ah ku cibaadeysto wuxuuna tegi jirey god
la yidhaahdo Qaaru Xiraa oo ku yaalley buurta Nuur oo Makka laba mayl u
jirta, halkaas oo uu soo joogi jirey habeeenno intuu sahaydiisa (cuntaddiisa)
qaato, waxaa uu Rasuulka SCW ku cibaadeysan jirey iney diintii Nabi
Ibraahiim aheyd iyo in kale ma kala cadda, laakiinse waxaa cad in
shirkigii iyo asnaamtii taalley Khaliijul-carab uu ilaahay ka dhowray uuna
nacay.
Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba,
maalinkii dambe ayaa Malag u yimid wuxuuna ku yidhi: "akhri", markaasuu
Nabigu SCW ku yidhi: "wax ma akhriyo", ka dib intuu qabtey oo majuujiyey
ayuu mar labaad yidhi: "akhri" Nabiguna wuxuu yidhi: "wax ma akhriyo", mar
saddexaad intuu qabtey ayuu yidhi: "ku akhri magaca Rabbigaagii abuuray (koonka),
akhri Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo baray (dadka) qalimka, dadkana
baray waxaanay ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5) Markaasuu Rasuulku ka daba
akhriyey, intaa ka dibna malagii waa uu tegey.
Rasuulku SCW isagoo naxsan oo wadnihiisu boodboodayo ayuu gurigiisii yimid
markaasuu ku yidhi xaaskiisii Khadiija: "I deda I deda" iyana way dedday
ilaa uu argagaxii ka tegey, markii naxdintii ka ba'day ayuu qisadii u
sheegay Khadiija kuna yidhi: "naftayda ayaan maanta u baqay" markaasay
tidhi: "ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin maayo weligaa mxaa yeelay
martidana waad soortaa, xaqana waad u kaalmaysaa", markaa ka dib ayey
Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa
Khadiijo ina adeerkeed, diintii Nebi Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo
aad u da'weyn oo indho la'kuna turjumi jiray kitaabka Injiil luuqadda
Carabbiga. Markay u tegeen ayaa Khadiijo tidhi: "ina adeer bal dhegayso
wiilka aad adeerka u tahay", Waraqa wuxuu Nabiga ku yidhi: "maxaad aragtay?"
markaasuu Rasuulku SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu qisadii dhegaystey
ayuu fahmay arrintii wuxuuna yidhi: "kaa kuu yimid waa kheyr wadihii Nabi
Muuse u imaan jirey" wuxuuna intaa sii raaciyey "halaagaygee maan noolaado
marka qoomkaagu ku bixinayo."
Rasuulka SCW waxa uu la yaabay wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa dhexdiisa
ku leeyahay iyo hadalkan ah Makka ayaa laga saari doonaa, markaasuu yidhi:
"oo ma i bixinayaan", Warqaa wuxuu yidhi: "Haa, qof lama imaan waxa aad la
timid ilaa waa lala colleytamay, haddii aan maalinkaa gaadhana waan kuu
gargaari" hase yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo badan ma sii noolaan,
waxyigiina waa is raacraacay. Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka
kala go'ay si argagaxu uga tago, debadeed wuxuu yidhi Rasuulka SCW: "anigoo
soconaya ayaan samada markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu yimid oo
kursi ku fadhiya samada iyo dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay ilaa
aan dhulka ku dhacay.
Ka dib reerkaygii ayaan u tagay oo ku idhi: "I deda i deda" markaasay i
dedeen. Alle ayaa markaa soo dejiyey aayadahan: "(NABIGA) IS DADAYOW, KAC
OO DIG RABBIGAANA WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD" (sida
asnaamta) (Suurat Al-Mudathir)
HABABKII UU WAXYIGU UGU IMAAN JIRAY RASUULKA SCW
wuxuu waxyigu ugu imaan jiray Rasuulka SCW toddoba nooc oo kala ahaa
sidatan:
1) Riyo wanaagsan oo hurdada ugu imaanaysay, taasoo u caddayd sida oogga
waabberi waana tii waxyigu ugu bilaabmay.
2) Arrimo uu malaggu qalbigiisa ku rido isagoon malagii arag.
3) Malagga ayaa nin isugu soo matali jiray oo la hadli jiray ilaa ay
mararka qaarkood asxaabtu ka arkeen.
4) Waxyiga ayaa ugu imaan jiray sida qaylada gambaleelka waxayna taasi
ahayd habka ugu daran Rasuulka SCW ee waxyiga ugu imaan jiray oo wuu
dhididi jiray.
5) Malagga ayaa ugu imaan jiray suuraddiisii Alle abuuray oo u waxyoon
jiray, waxayna arrintaani dhacday labo jeer sida ay tilmaantay suuratu
Wannajmi.
6) Alle ayaa uga waxyooday samawaadka dushooda sida habeenkii la
dheelmiyey ee salaadaha lagu soo farad yeelay Alle ayaa toos ula hadlay
siduu Nabi Muuse ula hadlay.
DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY
Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa soosaaray mas'uuliyaddaa
weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una
baahan juhdi, dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo
ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii diinta ee
carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga
fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey
dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd
haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd
dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa
inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo
socotey saddex sano.
Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa),
qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku
yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday
dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu
Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith
iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.
Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka leh Makka
dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu
sameeyey habkii lagu yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa
qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu
markaa Abuubakar dacwadii gaadhsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu
ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi
oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu
bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:
Cusmaan Binu Cafaan
. Subyr binu Cawaama
. Cabdiraxmaan binu Cawf
. Sacad binu abii waqaas
. Dalxa binu Cubeydillah
Ka dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu
Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu Cabdilasa, Arqaam ibnu abii
Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba walaalihiis ah Quddaama iyo
Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib, Siciid binu Seyd iyo
xaasikiisii Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadaab walaalishiis),
Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale waxaa uuna ibnu
Haashim gaadhsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen dadkii
islaamka ugu horreeyey, dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu
islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.
Odeyaashii qureysheed markii ay maqleen arrinkaas dan kama gelin oo waxay
iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii
markaa ka horba ay niman qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale,
laakin markay maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin walbana
ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo weyn ma aanay
qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga ahayd.
MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW
Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku socotaba markii saddex sano la marayo
ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu dacwadiisa muujiyo ummaddana uga
digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas
aayaddan.
Wuxuu Allah SW yidhi: (u dig qaraabadaada kuu sii dhaw).
(Suuratu-Shucaraa:214).
Rasuulka SCW markay aayaddani soo degtay wuxuu fuulay buurta Safa wuxuuna
yidhi: "Waa saabaxaa (waa wareey)", markaas ayaa dadki Makka joogay oo
dhan ay soo yaaceen oo meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof
ayuu soo dirsaday oo ku yidhi: "soo eeg wuxuu yahay". Markii meeshii la
iskugu yimid ayuu Rasuulka SCW yidhi: "ka warrama haddaan idin idhaahdo
toggaan fardo duullaan idinku ah ayaa soo maraya ma rumaynaysaan",
markaasey yidhaahdeen "haa been kuguma aannaan baran", markaasuu yidhi
Rasuulka SCW, "waxaan idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka horreeya",
Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu u yeeray qabiil walba oo qureysh ka mid ah
illaa uu ka soo gaarey qabiilkiisii oo uu isna reer ugu sii dhawaaqay ilaa
uu kasoo gaadhay gabadhiisii Faadumo ahayd oo uu ku yidhi, "faaduma bintu
Maxammedey naftaada ka badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye
inaanan Alle waxba kaaga tarayn". Sidoo kale muslim waxa uu wariyay in
markii ay aayaddaani soo dagtay uu Rasuulku si guud iyo si khaas ahba ugu
yeeray (quraysh) wuxuuna yidhi qurayshey ka badbaadiya naftiina naar reer
baniii kacabow ka badbaadiya naftiina naar. Arrintaas dadkii qureysheed
way ka caraysiisey waxayna kicisey buuq magaaladii oo dhanna waa la isla
dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab oo ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid
wuxuu Rasuulka SCW ku yidhi: "halaag ha kuu sugnaado maalinta inta ka
hadhaye ma waxaan baad noo soo kulmisay". Allaah ayaa u jawabey oo ku soo
dejiyey Suuratu Tabbad.Wuxuuna Allaah ugu bishaareeyey ninkaas iyo
xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa iyo dintiisa ayey
la colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo dejiyey aayadan.
Wuxuu Allaah SW yidhi: (Muuji waxa lagu amrayo, Isagana jeedso
Mushrikiinta). (Suuratul-Xijri:94) Aayaddan waxa uu Allaah Rasuulka ku
amray inuu muujiyo xaqa, gaaladana ka jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u
qumay meel walbana waxa uu ka caddeeyey shirkiga iyo khuraafaadka ay ku
jiraan iyo xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney Allah keliya waxidaan oo
Ilaahnim u qiraan.
Odeyaashii qureysheed markey arkeen Maxammed SCW iyo diinta cusub ee uu la
yimid iyo inuu khilaafay diintoodii iyo ilaahyadoodii kuna sheegay iney
yihiin baadi ayeye olole qaadeen si ay dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin
lahaayeen, baaddilka iyo xumaatada ay ku jiraanna u difaaci lahaayeen.
Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay qaadeen waxaa ka mid ahaa in qaar
ka mid ah ay u tageen Abii-dhaalib kuna yidhaahdeen "Abii-dhaaliboy,
wiilka aad adeerka u tahay ilaahyadadii ayuu caayey, diintayadiina wuu
ceebeeyey, waxgaradkayagiina wuxuu ka dhigey maangaab, aabbayaashayona wuu
baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama isku kaaya daa, adiguna annagaad nala
mabda' tahay oo waad is khilaafsan tihiin makra aan kaa kaafino'.
Abii-dhaalib wuxuu ugu jawaabay hadal jilicsan", odeyaashina wa laabteen.
Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii
islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka
dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka
mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab,
waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa
lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii waxay soo go'aamiyeen in
dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta
ayaana halkaas ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo
asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee qabiilka yar
ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo
reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo geysan lahaa
waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu
sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa
yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.
Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab
oo aan soo marnay dadka kulmiyey Rasuulka SCW inuuku yidhi "halaag ha kuu
sugnaadee ma waxan baad noo soo kulmisey". Sidoo kale laba wiil oo uu
Abii-lahab dhalay lana kala odhan jirey Cutba iyo Cuteybaa waxay kala
qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay kuwaas oo kala ahaa Ruqiya
iyo Ummu-kalthum sidaan soo sheegnayba Abii-lahab oo Nabiga SCW ku
colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan,
iyaguna way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu werisey in markuu dhintey
wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-lahab u tegay odeyaal
qureysheed oo meel fadhiya kuna yidhi: "bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa
ka dhintey oo waa abtar (gablan)".
Dhibkaas Abii-lahab keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka
qeyb qaadan jirey oo sida la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la odhan
jirey Ummu Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa
Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata Nabiga SCW. Ummu Jamiil
waxa ahayd haweenay aad u carrab dheer oo dhib badan, markii ay soo degtay
suuratu Lahab oo ilaahay iyada iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay,
dhagax ayaey soo qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo
kacbada wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW ku dhufato.
Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya
ayey indheheedu qabteen markaas ayey ku tidhi: "meeyey Maxammed waatuu
hadda kula fadhiyaye, waana maqlay inuu i caayey ee haddaan arki lahaa
dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa", intaas keliya kuma hadhine waxay tirisay
gabay yar oo leedahay "Mudamamaan waan caasinney amarkiisana waan diidney
diintiisana waan nacney". mudamaman waxay ula jeeday Maxammed oo ay si
khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka
caydeedii; Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga dhawray cayda
nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam maxamed ayaan
ahay.
Top
AC Milan Iyo Juventus Oo Isugu Soo Baxay
Ciyaarta Kama-Dambaysta Ah Ee Horyaalka Yurub. Waa Markii Ugu Horaysay
Taariikhda Yurub Ee Ay Isugu Soo Baxaan Laba Kooxood Oo Talyaani Ahi.
AC Milan 1-1 Inter Milan
Milan, Turin (Haatuf): Van Basten, Ruud Guliet, Redcard, George Weah iyo
xiddigo badan oo kale ayaa ahaa ragga biladaha iyo magaca weyn kala
qaybqaatay kooxda AC Milan guulaha ay ka gaadhaysay tartamada kala duwan,
gaar ahaan tartanka Horyaalka kooxaha Yurub ee loo yaqaan Champions
League, waxaanay raggaasi ku suntanaayeen baalasha dahabka ah ee
taariikhda naadigaasi, kuwaas oo lugtooda iyo kartidoodaba kor ugu soo
qaaday magacooda iyo magaca naadigoodaba.
Si kastaba ha ahaatee, waxa isaguna baal-dahaba ka galay taariikhda
naadiga iyo tiisa gaarka ahba weeraryahanka khatarta ah ee Andriy
Shevchenko oo ay dhalashadiisu tahay Ukraine, waxaanu toddobaadkan u
dhaliyay kooxdiisa AC Milan goolkii noloshiisa ugu qiimaha badnaa,
goolkaas oo noqday mid qiime weyn u yeeshay kooxda AC Milan oo ay ugu soo
gudubtay ciyaarta kama-dambaysta ah ee Tartanka Horyaalka Yurub oo bishan
28-keeda ay la ciyaari doonto kooxda kale ee Talyaaniga ah ee Juventus oo
iyaduna u soo gudubtay ciyaarta kama-dambaysta, kadib markii ay xadhkaha u
jartay kooxda isbaanishka ah ee horyaalka gacanta ku haysay sannadkii ugu
dambeeyay Real Madrid oo ay 3-1 kaga adkaatay habeenkii Arbacadii,
waxaanay taasi noqotay markii ugu horeysay ee ay ciyaarta kama-dambaysta
ah ee tartanka Horyaalka Yurub isugu yimaadaan laba kooxood oo Talyaani
ahi, waxaana ciyaartaas lagu qaban doonaa magaalada Manchester ee dalka
Ingiriiska, garoonka ay leedahay kooxda Manchester United ee Old Trafford.
Haddii aynu u soo labaano ciyaartii habeenkii salaasadii ee dhexmartay
labada kooxood isku magaalada ah ee AC Milan iyo Inter Milan, waxa ay
ahayd mid aad u xiiso u xamaasad badnayd oo adduunka oo dhan aad looga
daawanayay, labadan kooxood ee isku magaalada ah oo hirdan gaar ahi ka
dhexeeyo, ayaa ciyaartii is-aragii koowaad ee toddobaadkii hore ku
dhammaatay iyadoo aan wax goolal ah la isku dhalin oo ay ku dhammaatay
0-0, waxaana faa’iidada ciyaartaa lahaa kooxda AC Milan oo ay ahayd mid
gurigeeda ku ciyaaraysay ciyaartaa hore, Inter-na marti u ahayd, balse
ciyaarta kooxda AC Milan ayaa ahayd kooxda martida, halka ay Inter
gurigeedii ku ciyaaray, sidaa daraadeed kooxda AC waxa keliya oo ku filnaa
barbardhaca laysku barbareeyo inta uu gool u yar yahay iyo badisba, halka
ay kooxda Inter ciyaarta kama-dambaysta ah ugu soo gudbaysay badis keliya.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid xidhan oo labadaba dhinacba
difaaceedu xidhaa, taas oo ahayd habkii ciyaartii hore ay ku ciyaarayeen
labada kooxoodba, balse wakhtigii dheeraadka ahaa ee isla qaybtaa hore ee
ciyaarta ayuu geesiga ama xiddiga habeenka taariikhda ka galay kooxdiisa
Shevchenko uu dhaliyay goolkii u horeeyay ee ciyaarta, kaas oo wax weyn ka
bedelay ciyaarta.
Ciyaartoyda khadka dhexe ka ciyaara ee Hollandiiska ah, Clarence Seedorf
oo isagu ka soo horjeeday ciyaartan kooxdiisii uu hore ugu ciyaari jiray
ee Inter, oo rajaynaya inuu noqdo ninka ku guulaysta tartankan (Champions
League) markii saddexaad oo uu kula guulaysto saddex kooxood oo kala duwan,
ayaa kubad u baasay ciyaartoyga reer Ukraine, Shevchenko oo uu ilaalo ka
ahaa difaacyahanka Ivan Cordoba, balse wuxuu awooday inuu la dhaafo,
isagoo weliba khalad uu ku sii galay Cordoba, laakiin taasi kama
horjoogsan weeraryahankan inuu kubad si habsan dusha uga marayo goolwadaha
kooxda Inter, Francesco Toldo oo uu ku hubsado shabagga goolka. Goolkaas
oo ahaa goolkii afraad ee Shevchenko ka dhalliyo tartan horyaalka Yurub
xilli-ciyaareedka sannadkan.
Qaybtii dambe ee ciyaarta Cuper, tababaraha kooxda Inter Milan ayaa
sameeyay isbedelo dhawr ah, kaas oo ahaa bedelkii uu ciyaarta ka saaray
Alvaro Recoba oo uu ku soo beddelay ciyaartoyga da’da yar ee 20jirka reer
Nayjeeriya ee Obafemi Martins, balse wakhtiyadii hore ee qaybtii dambe
ciyaarta AC Milan waxay sii waday kantaroolka ciyaarta, iyadoo Seedorf iyo
Gattusi ay khadka dhexe si wanaagsan u xidheen oo ay muuqatay sida ay uga
caddahay dariiqa geynaya Old Trafford. Maxamed Kallon, ayaa isaguna soo
galay qaybtii dambe ee ciyaarta oo lagu bedelay Hernan Crespo.
Inter Milan, waxay ugu dambeyn heshay in ay kooxda AC Milan barakshar
saarto si ay u hesho gool ama in ka badan oo ay ka guulaysato, taas oo
keentay in daqiiqadii 84aad uu ciyaartoyga dhaqdhaqaaqa badnaa Martin uu
dhaliyo goolka barbardhaca.
Maxamed Kallon ayaa kubad madaxa ah sii ciyaartoyga ay ka soo wada jeedaan
Afrika ee Martins, kaas oo isaguna ku guulaystay inuu ka farsameeyo
Maldini, lugtiisa bidixna si habsan ugu dhaafiyo Abbiati oo uu goolka ku
rideeyo.
Dhawr fursadood ayay heshay Inter in ay ku dhashan karto gool ay ciyaarta
ku badiso, balse fursadahaasi ma noqon qaar si wanaagsan looga
faa’iidaysto, ciyaartiina waxay wakhtigeeda rasmiga ahaa ku dhammaaday
1-1, taas oo keentay in ay kooxda AC Milan in ay ugu gudubto ciyaarta
kama-dambaysta ah ee tartanka Horyaalka Yurub.
Shevchenko, goolka uu qaybtii hore ciyaarta dhaliyay ayaa ahaa ka sababay
in ay u gudubto AC Milan ciyaarta finalka, waxaanu ciyaartoygu ku
tilmaamay in isaga laftiisa uu u ahaa mid qiime weyn ugu fadhiya, waxaanu
isagoo taa ka hadlaya yidhi: “Run ahaantii waxa uu goolkani kii ugu
muhiimsanaa intii ay kubadda soo ciyaarayay. Waxaanu haysanaa rajo
wanaagsan in aanu ciyaarta kama-dambaysta ahna aanu ku guulaysan doono.”
“Kubadda waxaan goolka ku laaday aniga oo sii dhacaya, sababtoo ah waxa
xagga dambe iga faawalay Ivan Cordoba, taas oo noqonaysay rigoore.” Sidaa
waxa yidhi Shevchenko, oo ka hadlayay sida uu goolka u dhaliyay, waxaanu
intaa ku daray oo uu yidhi; “Ciyaarta caawa, si adag ayaanu ugu dagaalanay,
runtiina waanu u qallanaa in aanu u soo gudubno ciyaarta kama dambaysta
ah.”
“AC Milan ayaa wakhtigan ahayd mid xooggan, waananu ku guulaysanay in aanu
u soo gudubno ciyaarta kama-dambaysta ah, taas macnaheedu ma aha in aanay
Inter gayin gooshan oo kale. Taageerayaasha iyo kooxdaba aad ayaan uga
xumaaday, balse kubadda cagta ayaa sidaas ah oo kolba dhinac tagta.” Sidaa
waxa yidhi ciyaartoyga dhajka ah ee Clarence Seedorf.
Juventus 3-1 Real Madrid.
Habeenkii Arbacadii, ayaa isaguna ahaa habeen taariikhda kubadda Yurub ku
soo kordhiyay wacdaro gaar ah oo in badan la hadal hayn doono, taas oo aan
ahayn guusha keliya ee ay gaadhay kooxda Juventus iyo badiska laga badiyay
kooxda Real Madrid, balse waxa uu ahaa mid taariikhda ku soo kordhiyay in
ay markii ugu horeysay tartanka Horyaalka Yurub iskugu soo baxaan laba
kooxood oo ka socda dalka Talyaaniga, kadib markii ay kooxda Juventus
daris aad looga shaqeeyay loo dhigay kooxda Horyaalka haysata ee Real
Madrid, oo ay ku dhufteen 3-1 ciyaartan oo ahayd is-aragtii labaad, iyadoo
kooxda Real ciyaartii is-aragii koowaad 2-1 kaga soo badisay kooxda
Juventus gurigeeda Madrid, taas oo natiijada labada ciyaarood ka dhigaysa
4-3 ay kooxda Juventus ugu soo gudubtay ciyaarta kama-dambaysta ah.
Ciyaarta oo ahayd mid ay ku gacan saraysay kooxda Juventus, balse
dhibaatada ugu ee kooxda Real ayaa ahayd khadka difaaca oo aad u liitay,
awoodina kari waayay in ay horjoogsadaan weerarka xoog ah ee ay ku hayeen
weeraryahana Juventus, waxaanay Juventus goolkeedii ugu horeeyay heshay
daqiiqadii 12aad, kadib markii kubad uu dhinaca midig ka soo karoosay
Nedved uu Madaxa ugu baasay Del Peiro ciyaartoyga Faransiiska ah ee
Trezeguet, kaas oo si wanaagsan u maamulay kubadana goolhayaha ka dhigay
koone cidhiidhi ah.
Laba daqiiqo ka hor dhammaadkii qaybtii hore ee ciyaarta, ayay kooxda
Juventus goolkeedii labaad ku guulaysatay in ay hogaanka ciyaarta ku sii
hayso, kadib markii Del Piero uu kubad uu la soo galay khadka Real, taas
oo uu isagu laftiisa ka banaystay fursad, si wacana u garaacay goolhaya
Real ee Casillas.
Toddoba daqiiqadoo markii ay qaybtii dambe ee ciyaartu socotay, ayuu
Tababaraha kooxda Real Madrid soo galiyay ciyaarta xidiga reer Brazil ee
Ronaldo, kadib 14 daqiiqadoo ayaa xidiga adduunka ee sannadkan Ronaldo
lagu galay khalad khadka Juventus gudihiisa, waxaana ku galay
difaacyahanka Paolo Montero, taas oo ay ciyaartoyda raseefka ahayd ka
cawdeen in ciyaartoygaas oo kaadhka huruuda ahaa hore u qaatay in la siiyo,
balse uu ka markan ka baxsaday. Rigoorihii kooxda Real loo qabtay, waxa
laaday ciyaartoyga Boortaqiiska ah ee Luis Figo, balse goolhayaha Juventus
ee Buffon ayaa ka qabtay kubaddaa Figo.
Rajadii kooxda Real ee ahayd in ay rikoodhkooda ka dhigaan markii 13aad ee
ay u soo gudbaan ciyaarta kama-dambaysta ah ee Horyaalka Yurub, ayaa u
ekaatay mid aan habeenkaa suurto-galayn, kadib markii baas aad iyo aad u
qurux badnaa uu Gianluca Zambrotta u dhigay ciyaartoyga Nedved, kaas oo si
habsan uga dhaliyay Casillas, kana dhigay ciyaartii 3-0 ay ku gacan
sareyso Juventus.
Zidane ayaa isagu dhaliyay gool ka keliya ee ay Real habeenkaa dhalisay,
kaas oo aan wax ka bedelin ciyaarta iyo guusha Juventus, ciyaartiina waxay
ku dhammaatay 3-1 ay ku guulaysatay Juventus.
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha AC Milan iyo Juventus ayaa ku guulaystay in
ay u soo gudbaan ciyaarta kama dambaysta ah, taas oo taariikhda ciyaaraha
tartanka Horyaalka Yurub markii ugu horeysay ay laba kooxood oo Talyaani
ahi isugu soo baxaan, waxana taasi ka turjumaysaa in sannadkani marka
miisaanka la saaro ciyaaraha kooxaha Yurub, ay kooxaha Talyaanigu yihiin
kuwa ugu awooda badan, taas oo meesha ka saaraysa dhaliilo lagu tilmaami
jiray ugu yaraan shantii sannadood ee ugu dambeeyay, taas oo ahayd hoos u
dhac ku yimid sumcadda kubadda Talyaaniga, balse sannadkan ama
xilli-ciyaareedkani uu isbedel muuqda keenay, waxaanay ciyaarta
kama-dambaystu noqonaysaa mid tusaale fiican u noqoto ciyaaraha kooxaha
Talyaaniga.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Taageero Iyo Talo-Bixin Xukuumadda Cusub. |
Anigoo ah Cali Maxamed C/Raxmaan waxaan
hambalyeeynayaa madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Ku
xigeenka Axmed Yuusuf Yaasin oo aan ku hambalyeeynayaa natiijadii ugu
dambaysay ee maxkamadda sare ka soo baxday ee ay ku guulaysteen.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu xilka culus ee laydiin doortay in Ilaahay
idinku guuleeyo, anaga oo idinku siinayna taageero buuxda. Waxaan
xukuumadda cusub talo ugu soo jeedinaynaa.
In ay ummadda si buuxda wax ugu qabto wixii awoodeedda ah.
Waa in ay musuqmaamusaqa la dagaalanto, oo ay ilaaliso hantidda ummadda.
Waa in nabadgelyada si aad ah u ilaaliso, oo ay sugto, oo ciidamadda loo
dhiibo rag u qalma.
Waa in ay wax ka qabato, cusbitaaladda, waxbarashada, biyaha, iyo
cadaalaadda iyo wixii la mid ahba ee daryeelka umadda Somaliland ah.
Waa in sayladdo deg deg ah loo doonaa xoolaha nool oo adduunka laga
raadiyo.
Waa in kaalmo mucaawimo laga raadiyo adduunka, waa in aan la eegin
rabitaanka hay’addaha ee la eego rabitaanka umadda, oo wixii lagu helo wax
lagu qabto si haboon.
Waa in si dhakhso ah aqoonsi loogu raadiyo dalka.
Waa in dalalka jaarka ah xidhiidhkoodu la wanaajiyo oo nabadgelyo lagula
dhaqmo.
waxaan u sheegayaa xukuumadda in ay muujiso sidii ay wax u qaban lahayd oo
ay kaga bixi lahayd waxba qaban mayso.
Cali C/Raxmaan, Hargeysa.
Top
Yaa Ka Mas’uul Ah Waxbarashada Dayacan Ee Degmada Sheekh. |
Sida qofkasta oo reer Somaliland ahi ogyahay
degmada Sheekh waxay xudun u ahayd waxbarashadii ka hana qaaday geyigan
Somaliland badhtamihii qarnigii hore taas oo ay dhaman aqoonyahanada reer
Somaliland intooda badan ay ka soo baxeen dugsigii sare ee Sheekh, balse
wax maanta ayaan darro ah in Sheekh oo heerkaas taagneyd ay maanta
heerkeeda waxbarasho yahay mid calool xumo ku ridaya qof kasta oo aqoon u
lahaa waxbarashadeeda haddaba marka laga tago dugsigii sare ee Sheekh oo
ay maanta gacanta ku hayso hay’adda (SOS), oo runtii ay si hawlkarnimo iyo
qiimo leh waxbarashada uga socota, hase ahaatee qaybihii kale ee
waxbarashadu waxay ku sugan yihiin arrin murrugo leh.
Runtii mar aanu muddo ku sugneyn magaalada Sheekh waxa aanu la kulanay
ardeydii dugsiyada oo dugsiga ka soo rawaxaysa wakhtigii daraasadu socon
lahayd oo 9:30 subaxnimo soo dareeraya iyaga oo ku leh saaka oo dhan hal
xiisad ayaanu qaadanay halka ay qaar kale odhanayaan waxba maanu qaadan
maantoo dhan waliba ha ugu darnaadeen ardayda dugsiga sare ee Dawladda oo
ka kooban saddex fasal oo kala heer ah ( form one, form two, form three)
kuwaas oo ay ka muuqato niyad xumo iyo rajo beelay ay ka qabaan
mustaqbalkooda waxbarasho iyo waliba imtixaanka ku soo fool leh iyo
xaalada dayacan ee ay ku suganyihiin, haddaba su’aasha taagan waxay tahay
yaa ka masuula waxbarashada dayacan ee degmada Sheekh?
Si aan shaki ku jirin waxa xilkaas dayacan masuul ka ah maamulka
waxbarasho ee gobolka Saaxil iyo Degmada Sheekh iyo guud ahaan maamulka
Somaliland ee talada haya oo runtii dayac balaadhan ka muujiyey arrimihii
bulshada ee lama huranka ahaa sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo
adeega kale ee bulshada balse su’aasha taagan waxay tahay maamulka dayacay
waxbarashadii degmada Sheekh iyo guud ahaanba adeegyadii kale ee bulshada
sida Cusbitaalka Sheekh oo noqday meel dugaagu u hoydo, iyada oo waliba
madaxweyne Rayaale ku jiray ololihiisii doorashada ee golaha deegaanka
dabayaaqadii sanadkii hore uu dadweynaha degmada Sheekh ugu balan qaaday
inuu wax ka qabanayo cusbitaalka iyo adeegyada kale ee bulshada sida
waxbarashada.
Haddaba waxaanu qormadan ku soo gabagabaynaynaa ha loo gurmado ardayda
reer Sheekh inta dayacan hana loo hambalyeeyo hay’adda iyadu gacanta ku
haysa dugsiga sare ee Sheekh ee boodhinka Sheekh.
Axmed Cabdi Xasan.
Xamse Khadar Cali.
Khaliil Ibraahim Cabdi.
Sheekh, Somaliland.
Top
Biixi iyo Xayaad waxay sheekadooda duluc uga
dhigeen wixii dhacayba dhece, qadder allena u daa, ee haatan iyo dan ka
dib waxay xaajadda ku soo gunaanadeen inay hadda meel cusub wax ka
bineeyaan, iyaga oo jacaylkoodii dhicisoobay dib boodhka uga jafay, isla
markaana wixii ka qaloocday bogsiimo uga dhigay halku dhegga “Igama
qudhunto, igama gubato.”
Biixi iyo Xayaad sidii ay habeenkii oo dhan geed yar u hoos-yuurureen ee
ay bahal sheeko ah shaxdaa ugu hayeen ayaa waagu galalac yidhi, laakiin
inkasta oo ay ahaayeen laba qof oo aan sheeko ku kala xiisa goynayn,
haddana waxa waagu u beryey, iyaga oo sheekada inteedii badnayd
gebogabeeyey, waxayna ugu dambayntii isla garteen inay Biixi reerkoodii
miyiga u tagaan, ka dibna ay dhinaca magaalada u bixitimaan si ay arrimaha
qabyatirkooda halkaa ugu bud-dhigaan.
Waagii markii uu beryey ayey dadkii rakaabka ahaa oo jir digada ka dhigay
geedaha hoostooda ka soo kaakaceen, ka dibna waxay isa soo dul-tubeen
baabuurkii oo ay afarta shaag-ba lib-dheen, dabadeed-na dadkii markii ay
qoraxdii soo baxday ee ay yara diireen ayey baabuurkii qodis ku bilaabeen
si ay dhiidhiga uga saaraan, dabadeed-na waxay wadaan-ba goor ay
hadh-sookii tahay ayey baabuurkii meeshii ka saareen oo uu dhaqaaqay,
laakiin ilayn waa dhul uu roob meel walba dhasaye baabuurkii marka uu
cabaar socdaba meel buu galaa oo saacad dhaw dhaw laga qodaa, dabadeedna
maalintii oo dhan dadkii rakaabka ahaa iyo baarbuurkoodii waxay ku jireen
dhul cidlo ah oo aanay magaalo iyo dad reer baadiye ahi toona u dhawayn,
balse waxay socdaanba goor ay cadceedu sii liicayso ayey soo galeen
tuuladii uu baabuurku u rarnaa, tuuladaas oo ah tuuladii uu Biixi
reerkoodu u soo magaalaysi tegi jiray, ee Bender ugu dhawayd.
Dadka rakaabka ahi waxay tuulada yimaadeen iyaga oo aan bir iyo bes midna
doonayn oo laba habeen iyo laba maalmood cidla roob ku hayey, sidaa awgeed
way wada gataati dhaceen, oo qof waliba markii uu wax dhadhamiyey ayuu
meel ku dhacay, taas darteedna qof-na reerkiisii uma carraabin, xataa
haddii uu tuuladda duleedkeeda yaal.
Biixi iyo Xayaad markii ay cuneen ee ay diiftii gaajadu ka hadhay ayey u
tageen gabadh tuuladda degan oo ay Biixi ilma-adeer yihiin, dabadeedna
gabadhii ayaa ardaagii gurigeeda gogol u dhigtay, halkaas ayeyna ku
qaateen, laakiin goor ay saacaddu tahay abaaro 11:00 habeenimo ayuu Biixi
magaaladiisa hurdo u tagey, Xayaad-na gurigii ayey seexatay, iyada oo ay
ballantoodu ahayd inay berrito miyi iyo Biixi reerkoodii u baqoolaan oo ay
ugu yaraan habeen amalaba ku maqnaadaan.
La soco.
Top
Waxa kale oo isna gabay tiriyey suugaanta
garaha la xidhiidha ninka la yidhaahdo Cumar Aaadan Dibbi wuxuuna yidhi,
“Aabow gartana waad taqaan, guunna waad tahaye, ama geedka joog maalintuu
rag is-gadh-xiiraayo, ama geela raac talo adduun gumuxsi weeyeene.”
Gabyaaga la odhan jiray Cali Dhuux ayaa isaga oo la dacwiyeya nin kale oo
gabyaa ahaa, lana odhan jiray Qamaan Bulxan wuxuu yidhi “Dhankaan ka
hadlay Qamaan waa kaa dhaafay hadalkiiye.”
Sidoo kale aniga laftayda (C/Salaan Caara-Dhuub) ayaa gabayo dhawr ah ka
tiriyey suugaanta gar-naqsiga la xidhiidha waxaanan idhi “Ragguna markay
gobaad ka hadlayaan geed dacwigu yaalo, garyaqaanadiyo loo bandhigo
guud-cadaha feensha, muducigu wixii uu gar qoolaaliyo, wixii uu gufaanaayo,
marka uu guhaad iyo naq iyo goodi kale dhaafo, gallad iyo wixii uu naf
bido, gebagabeeyaaye, gaashaan madaacaalay u dhigay, gamasyo liishaamay,
inay guunyadii neefku tahay gororihii sheegay, hawraar guddidu haysato
marag la geys-geystay, gudoon iyo dariiqii haddii laysla garran-waayo
markaan garasho qoodhoodo noqon, quud-na laga eegto, gudoonkiyo haddii
fallamihii laysla garan-waayo, Googaale iyo waad tawdaa guurti kaa maqane.”
Sidoo kale nin la yidhaahdo Faarax Afey ayaa isna ka gabyey gar-naqsiga
suugaanta, wuxuuna yidhi “Duqaydiinan bagaadsaneey, haddaan deelkiyo
qur’aankiyo dalaaq lay maqashiin, halka reer-Dalal joogo anigu soo
degi-maayo.”
Faarax Afey marka uu sidaa leeyahay wuxuu doonayey aamin (Wacad), laakiin
Faarax Afey, isaga oo markhaati gashanaya nin la yidhaahdo Xayle wuxuu
yidhi “Qasan-xii dhawaa, maalmihii laysku qalanaayey, qaaxadda markaan uga
onkoday sida libaax qoodh ah, qummanow Xayle wuu garanayaa dhulkan qiime
ku lahaa.”
Gabyaagii la odhan jiray Salaan Carabey ayaa xaajo ka gar-naqayey isla
markaana ka dhigaya in fidnada laga fogaado wuxuuna yidhi “Deel-qaaf
fagaare ayaa dibno hadal ka yimid baa laga geel loog dawgalaye.”
La Soco.
Top
|