Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Dadweynaha U Jeediyey
Xuska 18-Ka May, “Waxaan Ku Balan Qaadayaa Inaan Laban-Laabo Dadaalkayga
Intaan Madaxweynaha Ahay,” Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Xuska 18-ka May Iyo Jawigii Fagaaraha Khayriyada Caasimada
Hargeysa
“SNM Xilkeedii Way ka Soo Baxday Markii Ay Dalka Xoraysay,” Muj. Maxamed
Xaashi Cilmi.
Gobolada Dalka
Iyo Sidii
Looga Xusay Maalinta Qaranimada Somaliland;
Burco Oo Aan si weyn looga Xusin 18 May, Laakiin...
“Jaamacadda Hargeysa Way
Goblantay Oo Ma Hesho Taageeradii Ay U Baahnayd,” Faysal Cali Waraabe, Gud:
Xisbiga UCID.
Xagaaga Xeebta Berbera Iyo
Xarakaadka Dekadda Oo Kordhay
War-Bixin, Wariyaha Haatuf.
GAADH-HAYE WUUXU YIDHI.
Af-Xumo Nabadna Way Kaa
Kaxaysaa, Colaadna Waxba Kama Tarto.
JILBO-DHIIG, waxa qoray
Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale.
Hal Booli Ahi Nirig
Xalaal Ah Ma Dhasho, Cali Maarshaal San Jose - California.
|
|
Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Dadweynaha U Jeediyey Xuska 18-Ka
May, “Waxaan Ku Balan Qaadayaa Inaan Laban-Laabo Dadaalkayga Intaan
Madaxweynaha Ahay,” Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. |
Hargeysa( haatuf) maadaxweynahaa Jamhuuriyada Soomaaliland Daahir Rayaale
Kaahin ayaa khudbad ugaa jeediyey dadweynaha Hargeysa fagaaraha Khayriyada
taasoo la xidhiidhay xuskaa 18-ka May waxaanu khdbadaa oo aad u dheerayd
kaga hadlaay arrimo kala duwaan oo khuseeya xaalada soomaaaliland,waanaa
taan khudbadii oo dhaamaystirani:
“Waayaha Somaliland ay SOO martay haddii aan dulmar ku sameeyo iyada oo aan khudbad lagu koobi Karin waxa xusid mudan mujaahidiintii SNM markii
ay dalka qabteen waxay si geesinimo leh u go’aansadeen in beelihii
walaalaha ahaa ee la colaysiiyay ay iskugu keenaan Magaalada Burco
halkaasna lagu gal aan saday in lays cafiyo sooni isutaaga JSL lagu
dhawaaqo iyadoo beelihii JSL gal aankaas ku wada heshiiyeen.
Waxaa xigtay shirkii dambe ee Boorama ee Axdi-qarameedkii lagu sameeyey
laguna doortay madaxweynaheenii hore ee geeriyooday aIle ha u naxariistee
Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal. 1996-1997 Waxa la qabtay Shirkii lagu
SOO doortay mar labaad Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. Ibraahin
Cigaal iyo Madaxweyne xigeenkii Daahir Rayaale Kaahin laguna sameeyey
Dastuurka aynu maanta ku dhaqmayno taas oo maantana aynu marayno iney ku
suurto gasho fadliga ilaahay in doorashooyin xor ah oo dimoqraadi ah oo
Deegaan iyo Madaxtooyaba leh, tii Baarlamaankuna ay inoo hadhsan tahay.
Dhammaan waxqabadka reer Somalilandl waxa suurto geliyey taageerada
dadweynaha reer Somaliland oo markastiba u heelan waxqabadka xukuumadooda
siinayey iyo nabadgelyada oo ay ilaalinayeen.
Hadaba, guulaha isdaba jooga ah ee umadeenu keensatay maantana ay qarka u
saaran tahay in aynu midhaheedii gurano waxaan idinkula dardaarmayaa
inaydun gaadh ka ka ahaataan oo ilaashataanl ilaahayna waxaan waydiisanaynaa in haIkaas bore inoogu sii mariyo oo himiladeena ina
gaadhsiiyo.
Xafladan maanta aan bilawney, waxay calaamad u tahay kalashubka- biyood ee
taariikhda qarankeenan da'da yar. Waa bilaw cusub oo ina siineya rajooyin
iyo riyooyin cusub. Waxa kale oo uu innaga dalbayaa inaan fulino
ujeedooyin cusub, furnana albaabada cusub ee waxqabasho iyo inaan ku
waajahno taxaddiyada inagu SOO jeeda naf cusub oo halgan iyo talo-soosi ku
dhisan. Maanta waa inaan cusbooneysiinaa kalsoonida aan inagu isku hayno
ta aan u hayno kartideena oo wadajir aan u abuurno naf qaran oo cusub oo
ku saleysan midnimo iyo wadaninimo.
Maanta oo aan u dhaartay jagada Madaxweynaha dalkeena, waxaan sidan u
sameynayaa anisoo uu igu jiro xilyaxyax ah iyo mid sharafba. Waxaan dhab
ahaan u jeclahay inaan u mahad-naqo dhamaanba muwaadiniinta Somaliland ee
noD codeeyay iyo kuwii lib u cusbooneeyay kalsoonidoodii iyo
awoodsiintooda ay na siiyeen aniga iyo Madaxweyne ku-xigeenkayga inaan
dalka hogaamiyo shanta sanna ee SOO socda. Taasina waa ammaano la inoo
dhiibtay iyo mas'uuliyad culus oo garbaha naga saaran, anaguna waxaanu u
shaqeyneynaa sida ugu fiican ee kartidayadu tahay si aan ugu qalano
sharafta la ina siiyay.
Maanta, waxa la ii dhaarshay inaan ahay Madaxweynaha Somaliland ee la lima
dhaarin inaan Madaxweynaha Xisbi ama Urur kaliya aan ahay. Waxaan ahaan
doonaa Madaxweynaha dhamaanba dadka reer Somaliland, ha ahaadaan kuwii ii
codeeyay ama kuwaan ii codeynine, Tanina waa mid ka mid ah barakooyinka
badan ee dimoqraadiyada ee ah in dhammaan laga qaybgalo farxadda guusha.
Waxan go' aansaday inaan ugu shaqeeyo qarankani sidii uu uga talaabsan
lahaa xariiqyada siyaasadeed ee caalamka aanu uga kormeeri lahaa
dhammaanba' xayeysiisyada siyaasadeed. Waxa kale oo gacantayda u fidinayaa
xisbiyada kale iney na taageeraan, dalka horumarkiisna gacan ka geystaan.
Sababtuna waxa weeyaan anasoo rumeysan inaanu wadajir ahaan oo kaliya ku
dhisi kama Somaliland oo nabad ah, xoog badan oo barwaaqo ku nooI.
Waxa kale oo sharaf weyn ii ah, aniga oo ah hogaanshaha dalka, inaan
markhaati ka noqdo dadkeena oo codkoodii ku bixiyay xis fiican oo
mas'uuliyad, reer magaalonimo iyo wadaninimo leh Jawiga fiican ee
nabadgalyo ee doorashooyinkii madaxtooyada 14-kii bisha April, waxa uu
dhab ahaantii ka sareeyaa filashooyinkii ugu waxshisanaa ee mujtamaca
aduunweynaha oo ka shakisanaa kartideena u qabashada doorashooyinka sidii
madaniga ahayd. Taasina waxay ku hadhidoontaa buuggaga taariikhada sidii
calaamad aan la tirtiri karin, waxana ay caruurteenu caruurta ay dhalaan u
xasuusan doonaan sidii maa1mo sharaf weyn leh.
Waxaan u gudbinayaa mahadnaqayga weyn muwaadin kasta oo Somaliland ah oo
ka qaybgalay socodkeena dimoqraadiyadeed, umana jeedo kuwa ii codeeyay ama
kuwa u codeeyay xisbigayga oo kaliya, laakiin waxan u mahadnaqayaa
dhamaanba reer Somaliland oo dhan ee rumeystay ama aaminey geedi socodka
dimoqraadiyadeed eenu qaadnay.
Dhinacayga, waxaan ku ballan qaadayaa inaan libinlaabo dadaalkayga, inta
aan madaxweynaha ahay, si aan u hubiyo in dimoqraadiyadeena dhawaan uun
dhalatay si fiican ugu korto ooy u dhaqangasho, oo markaana aan ugu biiri
karno safafka qaranada dimoqraadiyeed ee sharafta iyo sinaanta dhamaanba
iyo in bani aadanka oo dhan lagu ixtiraamo ee qaraaradana (ama xukumada)
lagu gaadho wadajir ee aan lagu soo saarin qoriga caaradiisa. Labadii
doorashooyin een soo qabaney dhawaan iyo tobanaankii shir ee nabad ku
heshiinta ee ka horeeyayba waxay aduunyada tuseen in dadweynaha Somaliland
ay diideen ku- dhaqankii qoriga ooy si caqligal ahna u doorteen in
mashaakil-kooda ku xalliyaan sanduuqa codbixinta.
Caruurteenu, markii ugu horeysay bay arkeen dimoqaraadiyada shaqeyneysa,
waxayna inagala qaybgaleen xuskii maalintaasi, Hibada ugu weyn een
caruurteena siin kamaa waa inasoo u dhisna bulsho nabad iyo dimoqraadiyada
ku nool, kuwaasoo labadooduba ilaa iyo waqti dhaw ay ku ahaayeen wax
ajnabi ah. Maalgashi ka fiicaani ma jiro maalgashiga
mustaqbalka caruuteena. Laakiin maalgashiga mustaqbalka caruurteenu.
wax sahal ah maaha, waxayna dhab ahaan u baahan doontaa naf-ku- furasho.
Kaasina waa mid waajib inagu ah inaanu diyaar u noqonaa.
Aduunyadeenu waa mid aad isugu bedeshay labaatankii sano ee tagey.
Maanta waxan ku noolahay aduunyo cilmigu ka noqday badeecadda ugu qiimo
badan ee dal kastaaba uu hantiyi karo. Sidaasi darteed, caruurteenu ma
noqon doonaan kuwa dhexdooduun ku tartama. Laakiin waxay kula tartami
doonaan caruurta aduunyada inteeda kale si aan sineyn . Sidaasi darteed,
waxbarashadu waa iney noqotaa baahida qaran ee koobaad iyo jidka kaliya ee
la hubo ee 1oo maro mustaqbalka inoo rumeyn lara rajooyinkeena.
Waxaan haatan aad ugu qanacsanahay in, marka la eego natiijada doorashadan,
tii dawladaha boose ee ka horeysay, iyo aftidii 1oo qabtay Distoorka
bishii May 2oo1-dii, in bulshada aduunweynuhu sidii bore si ka fiican ugu
diyaar noqon doonto iney dib uga fiirsato waxyaabaha ay dadkeenu
rajaynayaan iyo jeceylka ay u hayaan iney noqdaan dawlad madax-banaan oo
xor ah. waxaynu aduunka u tusney, si aan shaki laheyn, inaanu fuliney
dhamaanba waxyaabihii ay dawlad madax-banaan oo dimoqraadi ihi u baahneyd.
Saddexdaas xaaladood wadajir bey aad ugu muuqdaan, waxaney yihiin run aan
sina 1oo dafiri Karin. Angioo tixraacaya runtaasina, waxan aad ugu dadaali
doonaa inaan kaambeyn kulul ku qaado sidii Somaliland 1oo ictiraafi lahaa.
XUKUUMADA
Si dimoqraadiyadda iyo xukunka sharcigu ugu xidideystaan dalkeena, waxaan
ku dadaali doonaa sidii aan xukuumadeyda run ahaantii uga dhigi lahaa mid
cid waliba ay ka dhex muuqato, karti fiicanna leh oo waxqabadkeedana
dadweynuhu wax ka weydiin karo. Qaranka waxaan ugu adeegi doonaa
daacadnimo, is-xilqaan iyo sharaf. Dadkeenu wuxuu xaq u leeyahay inuu
yeesho xukuumad fiican, waxana noo qorsheysan inaan taasi u sameyno.. Run
ahaantii kuma ballan-qaadeyno inaan dayaxa keeno, laakiin waxaan ku ballan
qaadi karaa inaanu ku dhaqaaqno ujeedooyinka la fulin karo, uguna shaqeyno
si aan daallaheyn sidii 1oo gaadhi lahaa, been ma sheegi doono, mana qarin
doono wixii xun ee foolxumo leh, waligayana kama baxsan doono
mas'uuliyadda na saaran fashilaado awsood. Waxaan la dagaalami doonaa
musuqmaasuqa-noocuu doonaba ha ahaadee ee jarranjarraha xukuumdda, iyadoo
la adeegsanayo gacanta dadweynaheena. Waxanan ku guuleysan doonaa tirtirka
dhaqanka musuqmaasuqa, kaasi oo ah cadawga ugu xun ee bulshada' xumeeya
haddii eeba yidhaa.
Halqabadkeena, dhinaca maamulka xukuumaddu, wuxu noqon doonaa, "Qofka u
qalma ha 1oo dhiibo soobta ku haboon" waxaan idinka fileynaa inaad
waxqabadkayaga ku xukuntaan salka balaadhan ee wanaaga iyo sharafta
waxqabashooyinkayaga aan lagu xukumin salka qabiil ee aad cidhiidhiga u
ah. Waxan qof walba ka fileynaa inuu u fahmo in "wixii u wanaagsan
Somaliland uu qof walba u wanaagsan yahay". Sidaasi darteed, waxay
siyaasadaydu indhaha ku hayn doontaa bulshada oo dhan ee kuma hayn doonto
qof qof kalidii ahaan. Wixii arrintaasi la xidhiidhana
waxaan inta kartidayda u fiican ugu shaqeyn doonaa sidii aan u dhisi
lahayn xukuumad si dhab ah u masisha dhamaanba dadweynaha reer Somaliland.
Waxay doonayaan ama rajeynayaan iney helaan. Waxay noqon doontaa xukuumad
cid walba masisha oo naxariis badan laakiin aan debecsanayn.
Sida dhabta ah, qofna ma filayo in xukuumaddu ay xal u hesho
mashaakilkeena oo dhan. Hase yeeshee waxaan jecelahay inaan idiin
xaqiijiyo inaaney annaga naga maqneyn geesinimadii aan ku waajihi lahayn
waxyaabaha naga horyimaada iyo naf-huridda uu u baahan yahay la dagaalanka
sharka saddex-gees 1aha ah ee daacuunka ku noqday bulshadeena: Faqriga,
Cudurka iyo Jahliga.
XISBIYADA
Maanta taariikhdeena axsaabta waa mid inagu cusub oo u baahan in la koriyo
si ay u noqdaan xisbiyo qaran oo markastiba u tartama talada dalka.
Sidaa darteed, yaanay inoola muuqan in Madaxweyne kaliya u tartamayno ee
ay u muuqato inaynu dhisayno nidaam mabaadii leh oo axsaab ku dhisan oo
jiilba jiil ka dhaxlo sida dastuurkeenu jidaynaayo.
Shacbiga Somaliland haddii aynu nahay xisbiyadii tartanka galay, waxay si
geesinimo leh oo wadaniyad leh u muujiyeen iney Xisbi wax ku doortaan
balse aanay Gobolaysi iyo qolonimo wax ku dooran, sidaa darteed waxa inagu
waajiba in shacbigeena ku ixtiraamno siday wax u doortaan.
Walaalahayga Xisbiyada kale ka madaxda ah, waxaan ku boorinayaa iyaga iyo
taageerayaashooda iney nagu taageeraan doorashada xilka na saartay, mar
haddii aan qaranka Somaliland u nahay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen,
waana dhaqan dalalka dimoqraadiga ah ee aynu hiigsanaynay ku dhaqmaan.
DHAOAALAHA
Dhamaanba waan ognahay in aduunyada inteeda kale aany ictiraafsaneyn
dalkeena oo sidaa darteed inoo fumeyn lacagaha dibadeed sida amaahda iyo
mucaawanaadka. xaaladdan kaligeen ina heysata marka la fiirsado, waxan
codsi u diri karnaa qaybta maalqabeenka gaarka ah oon odhan karno
taageerada lagama maarmaanka ah siiya dhaqaalaha qaranka.
Dawladdu waxay dhiirigalin doontaa iskaa-wax-isku-tarka iyo iskaa-wax- u-qabsada,
waxayna dadka u sheegi doontaa inaaney isku haleyn dawladda. (Waxa la
joogaa waqtigii la jabin lahaa caaddada xun ee wax- kafilashada adisoon
waxba siinin xukuumaddeena ama qofba qofka kale.
Dhammaanteen aan garabka saarano mas'uuliyad intaasi ka badan, maaha
calashaan nafteena ama xaaskeena oo qudhah ee waa calashaan bulshadeena
iyo dalkeena. Markaan shaqeyneyno waxaan si cad u ogaandoonaa run yar
laakiin aad u xoog badan, in Midkeenba ka kale u baahan yahay. Markaa waxa
inagu waajib ah in midkeenba ka kale ka warhayo oo uu wax taro). Waxa
Madaxweyne Maray kani yidhi si weyn bey u khuseeyaan dadweynaheena."
Dawladdeenu ma bixin karto wax ayna hayn, laakiin waxay si caqligal ah oo
karti leh u maamuli kartaa waxyaabaha aad u yar ee gacanteena ku jira."
Dhinacani marka 1oo soo noqdo, waxa igu waajib ah inaan si cad ugu
dhawaaqo mahadnaqa qalbiga ka soo go' ay iyo sida weyn een u qadariyo reer
Somaliland-ka qorbaha ku kala daadsan ee dalkooda ku soo maalgashaday
lacagtay sida dhibta badan ku kasbadeen. Waxaan shaki ku jirin, in haddii
aanu jirin dadaalkoodu iyo wadaninimadoodu alley dalkeena maanta ka jiri
Kareen mashruucyada horumar een aad ugu faano.
Hase yeeshee, waxan jeclahay inaan haddana iyaga codsi labaad u jeediyo oo
ah iney libinlaabaan dadaalkooda si firfircoonna ay isugu mashquuliyaan
siday uga qayb-galilahaayeen kobcinta dhaqaale ee
dalkooda. Dawladduna, waxay dhinaceeda ka shaqeyn doontaa siday ugu abuuri
lahayd deegaana caawiya maalgashiga ka imanaya dalka gudahiisa iyo
dibadiisaba.
In kastoo waxaan haysanaa aad u yaryiin, waxaan aaminsanahay inaanu
wadajir waxyaabo ka duwan kuwii bore ku sameyn karna. Waxaan ka soo
badbaadnay xaalado cabsi badan laba iyo tobankii sano ee tagay oon qofna
anu filaynin inaan sidaa uga badbaadi doono. Laakiin lraadada illaahay
ayeynu xaaladahaasi si sharaf iyo isku kalsooni leh kaga soo badbaadney.
Kartiyaha dabiiciga ah ee dib-isugu-hagaajinta iyo isbadbaadinta dadkeenu
waxay sare u dhaafeen waxayaabihii bulshada aduunweynuhu ay inaga filayeen
ooy ka mid ahaayeen inaanu ku baabi'i doono xaaladdii dhibta badneyd ee an
kusoo nooleyn. Sirta guusheenu waxay ahayd, walina tahay go' aanka
dadweynaheena ee ah in wadajir loogu noolaado nabad iyo is waafaqsanaan,
mar haddii deeganka nabadeed oo qudh ah ee ay bulshadu ku gaadhi karto
horumar dhab ah oo joogto ah.
Markaan leeyahay xoolaheena iyo maalkeenuba aad bay u yaryihiin, waxaan u
jeedaa labadooduba si buuxda oo fiican ugameynaan faaiideysanin. Sida la
moodayo xaqiiqadu way ka SOO horjeedaa oo dalkeena waxa ka buuxa waxyaabo
badan oo dabiici ah sida batroolka, gaaska iyo dhagax qaali ah, waxaynu
leenahay bad balaadhan oo haddii si fiican looga faaiideysto ama 1oo
isticmaalo taageero ay ku noolaadaan siin karta dhammaanba
muwaadiniinteena. Waxa inagu waajib ah ineynaan iloobin qodobka xoolaha
noDI ee lafdhabarka u ah dhaqaalaheena. Dawladdeydu waxay ku dhaqaaqi
doontaa heerka ugu sareeya ee hawl-qabasho si ay u hubiso in waxyaabaheena
dabiiciga ah si buuxda, caqligal ah oo karti fiican leh loogaga
faa'iideeyo dadweynaheena.
Dhaqaalaheena iyo nolosheenuba (quudkeenuba) waxay haatan si buuxda ugu
tiirsan yihiin qaybta xoolaha nooI, oo ah qaybta marwlaba la socota
isbedallada xaddi dhaafka ah ee markastaba ku xidhan siday xaaladda
cimiladu tahay iyo marba sida u yahay suuqa dibadeed ee xooluhu: labadaasi
oo ah isbedalayaasha ugu muhiimsan een la kantarooli karin. Dhammaanteen
waxaan wada ognahay sidii dhaqaaleheenu u burburey markii dalal gaar ihi
mamnuuceen soodhoofsiga xoolaheena nooI. Taasina waxay si cad u
muujineysaa sida isku-halleynta qayb qudh ah oo dhaqaale ay khatarta ugu
tahay dhaqaalaha dal kastaba. Iyadoo ka warhaysa arrintaasi, ay
xukuumaddeydu si xawli leh ugu dhaqaaqi doontaa noocyo kala duwan uga
dhigi lahayd iyadoo ka fa'iideysan doonta illaheena.
faraha badan ee dhaqaale een weli la taaban, sida batroolka iyo gaaska iyo
dhagaxda qiimaha badan iyo kuwa badda ballaadhan ku jira, shanta sanna ee
SOO socda haddii Eebe Yidhaa. Durba tallaabooyin baan uga qaadney
dhinacaasi, waxaan an qorsheyneynaa inan labajibbaaro dadaalkayga.
Haseyeeshee, guusha laga gaadhi karaa dhinacani waxa laga yaabaa iney aad
u gaabiso, mar haddii sharikadihii waaweynaa ay arrintaasi ka cago
jiidayaan ama ay aad uga taxadirsan yihiin iney maalgashay dalkeena ku
sameystaan inta xaalladahani ay dalkeena ka jiraan. Laakiin waxaan aad ugu
raja weynahay in socdaalka dimoqraadiyadeed ee haatan xididada ku yeeshay
bulshadeenu uu run ahaanti wax uga bedallo khariiddada siyaasadeed si
danteena ugu go’an iyo in sidoo kale ay dannaha sharikadaha shisheeye ugu
soo wareegaan dhinaca dalkeena.
KOMIISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA
Xilligan sida weyn ahmiyadda u leh, waxa kale oo waajib igu ah inaan
mahadnaq gaara u SOO jeediyo dhammaanba kuwii ka qayb-qaatay doorashada ,
waxna ka geystay guusheedii. Mahad-naqayga gaarka ihi wuxuu ku jeedaa
komishanka Doorashooyinka Qaranka, (KDQ) ee si kalago lahayn, habeen iyo
dharaarba ugu shaqeyn jiray sii socodka doorashooyinka ugu guuleysto,
inkastoo waxa gacanta ugu jiraa uu aad u yaraa.
CIIDANKA OARANKA IYO BILA YSKA (POLICE)
Waxa igu waajib ah inaan sallaan uga jeediyo Ciidanka Qaranka iyo Bileyska
dalkeena shaqada aad u fiican eey ku hayaan sugidda nabadgalyada iyo
xasiloonida inasoo ku jirna xaaladdo aad u adag.
Waxan rumeysnahay in la'aanta SOO jeedkooda iyo hawlqabadkooda dhibta
badan, aaney doorashadu u dhacdeen sidii xasilooneyd. Hawlqabadkooda aan
daalin iyo siday u garanayaan mas'uuliyad ay hayaan ayey Somaliland nabad
iyo amaan ugu nooshahay taasina waa badeecad nadir ka ah meela badan oo
qaaradeena ka mid ah, gaar ahaana waqtiyada doorashooyinka. Waxay innaga
mudan yihiin ammaan iyo qadarin, waxaanan ballan qaadaynaa in qaranku
xaaladooda dhaqaale wax ka qaban doono marka ugu horeysa ee ay suurta gal
noqoto.
GOLEYAASHA SHARCIYEED.
Goleyaasha sharci dejinta iyo Maxkamada Distooriga waxaan ugu mahad
naqaynaa sidii wacynayd ee xilkooda ay u guteen.
Waxan idiin rumeynayaa, mudanayaal, ujeedadeyda daacadda ah inaan waligey
si fiican idiinla shaqeyndoono si aynu u wadadhisno Somaliland- tani mid
ka sii fiican.
Munaasibaddani, aynu xafladda ugu dhigeyno guusha dimoqraadiyada dalkeena
u SOO hoyatey, waa dhaxaIkii uu inooga tegay Madaxweyneheenii bore AIle ha
u naxariisto Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waligeena waynu
xasuusnaan doonaa.
JAARKEENA IYO BUlSHADA ADUUNWaYNAHA
Inkastoo anu dalkeena walli helin ictiraafka aduunwaynaha, waxayse aynu ku
sameysanay saaxiibo wanaagsan sannadihii tegay, ixtiraamkeena in sharciga
wax lagu xukumo iyo go' aankeena sida birta u adag ee ah inaan isku haleyn
kartideena iyo illaheena oo qudha ah.
Anisoo ku hadlaya magaca dadweynaha Somaliland, waxan jeclahay inaan u
mahadnaqo dalalka saamiyada ugu deeqa sanduuqa doorashooyinkeena iyo
soob-joogayaal (Observers) madaxa banaan ee u SOO badheedhay iney inagala
qayb qaataan, si ay markhaati uga noqdaan waayo-arag-nimadeena
dimoqraadiyadeed iyo iney sheegaan xaq-ahaanta ay u dhaceen
Doorashooyinkeenii.
Inta aynu ku joogno jidka dimoqraadiyadda, waxan ku kalsoonahay in
bulshada aduunweynuhu si fiican u qadarin doonto dadaalkeena anynu
Icitiraafka ku doonayno, xaqeena aan la ina weysiin Karin een u leenahay
in aan taladeena inagu u madax banaanaano oon soosano. Waxaan filayaa in
dalalka aan saaxiibka nahay, gaar ahaan dawladdaha aan jaarka nahay, ay si
ku fillan ugu dhiiran doonaan horkaca iyo iney si fiican u eegi doonaan
waxyaabaha Somaliland ay sameysatay.
BAAQ
Maanta waxaan la socodsiinayaa dhammaan beelwaynta caalamka ee dalalka
(Egad, Africa, Europe, Asia iyo America) in shacbiga reer Somaliland laga
SOO bilaabo 1991, markii ay ku dhawaaqeen sooni isu taaga qaranimada
Somaliland ay suurto galiyeen muujiso caalamku ka
filayn oo ah inuu waxkasti oo dawlad dimuqraadi ah lagu qiimeeyo ilaa
doorasho Madaxweyne ay si dimuqraadi ah ku suura geliyeen, sidaa darteed
waxaan aaminsanahay xukuumad ahaan iyo shacbi ahaanba in aan xaq ugu
leenahay caalamka mid sharci iyo mid bani aadamba in aan ka helno aqoonsi
si aan uga mid noqono caalamka mar haddii aanu buuxinay shuruudihii lagu
qiimaynayay dawlad.
Waxa kaloon caalamka waydiisanaynaa, in ay naga caawiyaan sidii lanooga
kaalmayn lahaa kaabayaasha dhaqaale iyo shaqo abuuris iyo sidii aan uga
heli lahayn maalgashi shisheeye dalkayaga.
Waxaan kaloon caalamka xasuusinaynaa 12 sano ayey beesha caalamku ka waday
koonfurta Somalia in ay heshiisiiso oo u samayso iyadoo markastiba
dafirsanaa horumarka Somaliland ka socda oo aan cidina taageerin.
Sidaa darteed, waxaan beesha caalamka u soo jeedinayaa mar haddii faashil
noqotay arrintii ay Somalia ka wadeen oo ta hadda socotaana ay ku
dhawdahay burbur, waxaan xal u aragnaa in Somaliland aad aqoonsataan,
guusheedana aad qirtaan, waxaan shakina nagaga jirin haddii taa samaysaan
oo noo aqoonsataan qaran madax banaan in aanu suurta gelin karro in
dhibaatadooda wax ka qabano oo aan heshiisiino, si ay u dhistaan qaran
kaayaga la mida.”
Top
Xuska 18-ka May Iyo Jawigii Fagaaraha Khayriyada Caasimada Hargeysa
“SNM Xilkeedii Way ka Soo Baxday Markii Ay Dalka Xoraysay,” Muj.
Maxamed Xaashi Cilmi
|
Hargeysa(Haatuf) waxa shalay laga xusay
magaalada Hargeysa sanad guuradii 12aad ee ka soo wareegtay markii lagu
dhawaaqay gooni isu taaga Soomaaliland sanadkii 1991kii.
Subaxnimadii hore ayay kumanaan qof isugo soo baxeen fagaaraha khayriyada
si ay udhagaystaan khudbadaha kala duwan ee laga jeedin jiray sanad kasta
marka la xusayo munaasabadaai,laakiin munaasibadii shalay waxay ahayd mid
amaanka si aad ah loo xoojiyey ayna goobkasta taagnaayeen ciidamo aad
ufara badani,kuwaasoo ku hubaysnaa noocyada kala duwan ee hubka fudud iyo
qoryaha darandooriga u dhaca,waxayna dadweynaha iska hortaageen in ay ku
dhawaadaan goobta uu ka khudbadaynayey madaxweynahu, iyadoo ay shalay
ahayd markii ugu horeysay ee fagaaraha khayriyada lagu xidho xayndaab laga
sameeyay xadhko iyo biro oo lagu wareejiyay barxada fagaaraha,islamarkaana
ay taasu keentay inay dadku kusoo dhawaadaan goobta ay ku sugnaayeen
masuuliyiinta kale ee xukuumadu, laakiin waxa kale oo la arkayey ciidamo
si aad ah u hubaysan oo dhakada ka fuushan qaar kamid ah guryaha iyo
dabaqyada dhaadheer ee dhismayaasha suuqyada u dhow fagaaraha khayriyada.
Waxayna arrintaasu dadka ku abuurtay dareen cabsiyeed oo xusuusiyay
siyaabihii ay u dhaqmijirtay xukuumadii siyaad bare, iyadoo ay habeenadii
u danbeeyay ciidamadu taagnaayeen isgoysyada wadooyinka oo ay gaadiidka ka
dhigayeen dadka islamarkaana aad loo baadhayay, waxaana maalintii doraad
ilaa habeennimadii la dareemayey dhaqdhaqaaqa iyo hawasha ay shaqaalaha
iyo hawlwadeenada dawlada hoose ka wadeen fagaaraha khayriyada iyo
wadooyinka waaweyn ee magaalada taasoo isugu jirtay hawl nadiifin ah
islamarkaana waxay calamo ka luleen jidka dheer ee mara fagaaraha
khayriyada,taasoo wax ku kordhisay bilicda fagaaraha khayriyada.
Abaara 9:30-kii ayuu fagaaraha soo gaadhay madaxweynaha Jamhuuriyada
Soomaaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo
uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,
shirgidoonada labada gole, xubno katirasan golaha wasiirada,xildhibaano
katirsan labada gole. Sidoo kale waxa fagaaraha yimid gudoomiyaha xisbiga
UCID Faysal Cali Waraabe iyo maxamed Xaashi Cilmi oo kamid ahaa
siyaasiyiintii S.N.M.
Kadib madaxweynaha iyo madaxda kale waxay halkaa salaan kaga qaateen koox
katrsan ciidanka qaranka oo ay horkacayaan kooxda baambooyda
looyaqaan,iyadoo aanay labadii munaasabadood ee tan ka horeeyayba aanay
dhicin ciidamo badan oo gaardi ku mara munaasabada 18-ka May.
Laakiin waxa aan gebi ahaanba ka dhexmuuqan munaasubadaa Xisbiga KULMIYE,
oo ay ku badan yihiin mujaahidiintii iyo siyaasiyiintii ku suntanaa guusha
maalintaa, marka laga reebo Maxamad Xaashi Cilmi.
Waxaana hadal kooban oouu kaga hadlayo maalinta iyo halgankii ka jeediyay
Mujaahid maxamed xaashi oo ahaa siyaasi mayal adag oo mucaarid ah, laakiin
waqtigan danbe loo tiriyo inuu u dhowyahay Xisbiga UDUB, inkastoo aanu
cadyn, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “ S.N.M dadaal weyn bay muujisay
kaalintii ay iyadu ku jirtayna si wanaagsan ayey uga soo baxday, si
wanaagsana way u wareejisay xukunkii,waxaynu u abuurnay inaynu dawlado
dhisno, shirweynaha laga dhiso, waxa ugu horeeyay shirkii aynu Boorame
isugu nimid 1993-kii, markaasoo la doortay marxuum Maxamad X.Ibraahin
Cigaal illaahay ha u naxariistee iyo C/raxmaan aw- cali faarax oo ku
xigeen loo doortay, doorashadii labaad ee 1997kii iyadana waxa lagu
doortay Maralabaad marxuun Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin oo loo doortay
madaxweyne ku xigeen oo maanta madaxweynaha dalka ah, sidaasay u soo
socotay Dimuqraadiyadii aynu qaadanay ee kutala galkeedu ahaa in beeshu
sidaa kuwada noolaato oo ay ku socoto oo ay sidaa nabadgelyada ku Ilaaliso,
waxaynu markaa ka soo baxnay shirbeeleedkii, beelaha wax lagu dooranayey”
kadib maxamad Xaashi wuxuu ka hadlay marxalada doorashooyinka iyo axsaabta
badan waxaanu yidhi “maanta waxaynu galnay wakhtigii axsaabta ee
Dimqraadiyadu bilaabmaysay oo ka soo bilaabmay Dawladihii hoose ee aynu
dhawaanta dooranay,taana waxa inoogu xigtay doorashadi madaxweynaha iyo
madaxweyne ku xigeenka ee ay sadexdda xisbi ku loolameen, waxaynagu hadhay
halkaa doorashadii labada gole ee baarlamaanka,markaa waxaynu marnay
dariiq toosan haba inagu raagoo 12 sanadood ha inagu qaatee,markaa waxaynu
in taa ku soo soiconay wadatashi iyo wada shaqayn, maanta waxaynu maraynaa
meel wanaagsan sidaasay S.N.M uga soo baxday kaalintii dalka ka saarnayd”
ayuu yidhi Maxamad Xaashi Cilmi.
Isagoo kahadlaya marxalada haatan waxa uu sheegay in halkii S.N.M uu jiro
Xisbiga UDUB oo talada haya waxaanu u soo jeediyay dadweynaha iyo axsaabta
mucaaradka ahba in ay meel uga soo wada jeestaan sidii dalka wax loogu
qaban lahaa.
Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, inkasta oo uu goobta joogay may
jirin wax hadal ah oo uu ka jeediyey, laakiin Faysal oo ay weriyayaal
Haatuf ka tirsani ka dib ay wax ka weydiiyeen munaasibadan, ayaa ku
tilmaamay mid taariikh weyn leh waxaanu yidhi “waxay I xusuusisaa 18 May
wax badan, iyadana oo ah maalintii ugu horeysay ee aan maqlo dalkayga oo
Madax banaan, maatana waa markii ugu horeysay ee aan joogo 18-ka May oo la
xusayo. 27-ka May-na waxan bedelay taariikhda dhalashadayda, waana
maalintii Burco la soo galay markaa May sidaas ayaan u qiimeeyaa.”
Waxa isaguna halkaa khudbad gaaban ka jeediyay maayarka caasimada ahna
gudoomiyaha golaha deegaanka Axmad maxamad Jiciir.
Ugu dambayn waxa hadal;ka qaatay madaxweynaha Soomaliland Daahir Rayaale
Kaahin oo dadweynaha u jeediyey khudbad aad u dheer oo uu kaga waramay
arrimo baban oo kala duwan., laakiin intii ay socotay khudbada
madaxweynuhu waxa la dareemayay buuq, sawaxan iyo foori mararka qaar,
inkasta oo aanay wax rabshada ahi dhicin oo ay si nabadgelyo ah u
dhacday,hadana waxa jirtay inay dadku dareemeen cabsi iyo werwer, kadib
markii ay arkeen,waxyaabo xusuusinaya habdhaqankii xukunkii keli taliska
ahaa eehad iyo goor isku xeeri jiray ciidamada iyo tiknikada., laakiin
waxa iyana dareenka dadka shaki gelisay sidii degdega ahayd ee loosoo
koobay , munaasibadaa oo maalinta la xusayo laga jeedin jiray khudbado
dhaadheer,balse shalay waqti kooban qaadatay,iyadoo ay dadka qaar markii
ay soo tooseen ay la kulmeen dadkii oo kasoo dareeray. Sidoo kale waxa
habeenimadii xalay madaxtooyada Hargeysa lagu qabtay xaflad lagu
maamuusayey 18-ka May taasoo ay kasoo qaybgaleen madaxda qaranka iyo
masuuliyiinkala duwani waxaana halkaa bandhig suugaaneed ku soo bandhigay
qaar katirsan fanaaniinta qaranka,laakiin heesaha halkaa lagusoo bandhigay
waxay u badnaayeen kuwo aan khusayn munaasibada maalinta qaranka,balse u
muuqday kuwo ugaara Xsbiga UDUB, waxa iyaguna aan ka muuqan munaasibadaa
gebi ahaanba mujaahidiintii guushan iyo libintan soo hooyey ee ku suntanaa.
Dhinaca kale waxa xalay gaadiidka laga duwayay wadada ugu muhiimsan
magaalada ee ay gaadiidku inta badan maraan,iyadoo ay askartu hatigayeen
dadka iyo gaadiidka oo ay u duwayeen meelo aan dariiq ahayn oo qarda jeex
ah, waxayna, dadku isweydiinayeen sababta ay ciidamadu sidaa ugu
dhaqmayaan, laakiin marka layskusoo duubo munaasibadaas shalay waxay ahayd
mid dareemo gaara wadata oo ka duwan munaasibadihii hore.
Top
Gobolada Dalka Iyo Sidii Looga Xusay Maalinta
Qaranimada Somaliland
Burco Oo Aan si weyn looga Xusin 18 May, Laakiin... |
Burco (Haatuf): Magaalada Burco ah halkii
lagaga dhawaaqay go’aanka la soo nqoshada madaxbanaanida Somaliland 18-kii
may 1991-kii ayaan si weyn looga xusin munaasibadan oo ku beegnayd shalay,
laakiin magaalada Burco oo ah magaalo uu awood badan ku leeyahay xisbiga
KULMIYE, oo ay ku badan yihiin mujaahidiintii SNM ee ku suntanaa guushan,
ayaa xaflad lagu xusayo munaasibadaasi ku qabtay xafiiskiisa Burco isla
markaana damaashaad loogu talo galay maalintaas ayaa lagu sameeyey xarunta
guud ee xisbigaasi ku leeyahay gobolka Togdheer, sida uu ku soo waramay
Axmed Aadan Yuusuf oo ka tirsan Haatuf waxa halkaa kala hadlay
taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo dad kale oo ka mid ah bulshada gobolka
Waxa halkaa dadka kala hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka
Togdheer ee xisbiga KULMIYE, waxayna sheegeen inay mudan tahay maalintani
in la xuso, isla markaana waxay ku guubaabiyeen dadka inay ilaaliyaan
nabadgelyada iyo xasiloonida.
Inkasta oo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee keentay inaan magaalada
Burco laga xusin munaasibadan oo markasta lagu qaban jiray fagaaraha
kheyriyadda ee magaaladaasi, laakiin masuuliyiinta dawladda ee gobolka
ayaa shalay shir jaraa’id oo ay galabnimadii ku qabteen xarunta gobolka
kaga waramay sababaha keenay inaan la xusin munaasibadda maalintan,
waxaana shirkaa jaraa’id ka hadlay Badhasaabka gobolka Cabdi Xuseen Siciid
iyo maayarka magaalada Burco Maxamed Diiriye Xayd waxayna sabab uga
dhigeen arrintan cabsi laga qabay inay ka dhalato isu soo baxa badhasaabka
gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Siciid ayaa sheegay inaanay jirin munaasibad
ka baaqatay ee ay ka baaqatay oo kaliya khudbadii kheyriyadda oo kaliya,
isla markaana ay u hadheen oo kaliya xaflado ay dhigayaan habeenimada,
isaga oo macnaynaya sababta ay kheyriyadda uga hadli waayeen wuxuu yidhi
“Sidaa ogtihiin waxaan tartamay asxaab, aniga oo ku jira hawshii abaabulka
ayaa la sheegay qaar ka mid ah xisbiyaddii hadhay inay wadaan nabadgelyo
xumo”, wuxuuna intaa ku dareen inay u yimaadeen qaar ka tirsan xisbiga
KULMIYE oo ay weydiisteen inay ka qayb galaan xafladda kheyriyadda,
waxaanan u sheegay inay tahay arrin qaran oo ummadda oo dhan khuseesaysa,
laakiin xisbi haddaad tihiin xafiisyadiina ayaad ka hadli kartaan, intaa
ka dibna waxay ii sheegeen inay madaharaadyo qabanayaan, ay kaga diidan
yihiin ka qayb galka munaasibadda ee loo diiday.”
Badhasaabku waxa uu intaa ku daray inay wakhtigaasi ahayd xilli dambe oo
habeenimo ah sidaa awgeed waxaan go’aansaday ayuu yidhi inaanay
mudaraharaad iyo rabshado dhicin, maadaama ay hore uu mudaharaad hore u
dhacay geystay khasaare badan, laaspp ay ku burburtay hanti gaadhaysa laba
boqol oo milyan oo Somaliland Shiling ahkuna dhaawacmeen 7ba qof, ka dibna
waxaan go’aansaday inaanay arrimahaasi dhicin oo aan joojiyo khudbadii
khayriyadda, magaaladana waxaanu ku xidhnay calamadii iyo laamabadihii
dawladduna kuma guul-daraysan sida BBC-du u sheegtay ee waxa xil naga
saaran yahay inaanu ilaalino dhamaan ummadda gobolka ku dhaqan
nabadgelyadeeda, badhasaab ahaan iyo guddi nabadgelyo ahaan-ba.
Maayarka magaalada Burco Maxamed Diiriye Xayd ayaa sheegay inay
munaasibaddu tahay laba qaybood oo qaybi tahay bilicda magaalada, iyo
qaybta hadalka iyo xafladaha isla markaana wuxuu sheegay inay qaybtii
bilicda dhameeyeen, qaybtii kale ee xafladahana ay qabanayaan oo ay isu
diyaarinayaan, inay isugu yeedhaan culimaa’udiinka, aqoonyahanka iyo
ardayda, wuxuu intaa ku daray in isu soo baxii kheyriyadda loo joojiyey si
loo dhawro nabadgelyadda.
Dhinaca kale magaalada Berbera ayaa iyada habeenimadii xalay lagu qabtay
xarunta 26 June xaflad loogu talo-galay munaasibadan oo ay ka soo qayb
galeen ,masuuliyiinta gobolka Saaxil, madaxda laamaha dawladda, ururada
bulshada iyo dadweyne kale. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee
Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan), waxaana munaasibadaa lagu soo
bandhigay madadaalooyin iyo heeso, laakiin gudoomiyaha gobolka Saaxil
Maxamed C/laahi oo ka hadlay munaasibadaa ayaa dadkii ka soo qayb galay
uga mahadnaqay sida ay dareenkooda ugu muujiyeen taariikhda ay leedahay
maalintanu, isla markaana wuxuu sharaxaaad ka bixiyey sidii ay u dhacday
doorashadii 14-kii April dalka ka dhacday, laakiin badhasaabku waxa uu ka
hadlay wuxu ugu yeedhay khatar ka soo fool leh koonfurta Soomaaliya,
wuxuuna dadka ugu baaqay inay ilaaliyaan qaranimadooda iyo nabadgelyadooda.
Maayarka magaalada Berbera Cabdalla Maxamed Cali ayaa isna sheegay inay
sharaf u tahay iyada oo halgan dheer la soo galay inay noqdaan golihii ugu
horeeyey ee shacbigu soo doorto, wuxuuna ku tilmaamay doorashooyinkii inay
ahaayeen imtixaankii ugu dambeeyey ee ay dadka reer Somaliland ka gudbaan,
isla markaana wuxuu dadka ugu baaqay inay nabadgelyadooda ilaashadaan.
Sidoo kale magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ayaa laga xusay
munaasibadda 18-ka May xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo xuska maalintaa
ayaa shalay gelinkii hore lagu qabtay fagaaraha kheyriyadda ee magaalada
Boorama, sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf Gabiley Maxamed Xasan
Xuseen oo hawl shaqo u tagay gobolka Awdal, waxa ka soo qaybgalay
masuuliyiin ka kala socday laamaha dawladda, ururada bulshada,
mudanayaasha golaha deegaanka, iyo dadweyne kale.
Masuuliyiinta gobolka Awdal ayaa ka hadlay, laakiin duqa Degmada Boorama
C./Raxmaan Sh. Cumar Ibraahim oo maalintan ku sheegay maalinta dhalashada
xorriyadda iyo nabadgelyada, waa maalintii inoo horseeday dimuqraadiyadda
iyo in qof waliba wax doorto isna la doorto, isla markaana aynu noqono
qaran madax banaan oo gooni isku taaga, waxaa isaguna halkaa ka hadlay
badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi Cige oo dadweynaha kula
dardaarmay inay ilaaliyaan nabadgelyada dadku ay dhexdooda isa saamaxaan. Top
“Jaamacadda Hargeysa Way Goblantay Oo Ma Hesho Taageeradii Ay U
Baahnayd,” Faysal Cali Waraabe, Gud: Xisbiga UCID. |
Hargeysa (Haatuf) Gudoomiyaha xisbiga UCID
Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugantahay Jaamacadda
Hargeysa, taasoo uu aad uga dayriyey isaga oo ugu baaqay wasaaradda
waxbarashada inay fara galinta ka dayso haddii aanay waxba ku taraayn
isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Jaamacadda Hargeysa horta waan
ka xumahay, way goblantay, magacii caasimaddana way haysataa, dadkuna
waxtar ma siiyaan, dawladduna wax ma siiso, waxaanu jecelnahay inaanu
jaamacadda gacanta la galno, oo ay la jaanqaado dawladda cusub ee haatan
la dhisayo, wasaaradda tacliintuna haddii ay leedahay lacag baanu siinaa
oo anagaa maamulna way fiicantahay inay talada wax ku yeelato, laakiin
haddii aanay waxba ku tarayn way inay faraha kala baxdo.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu balan qaaday inay Jaamacadda Hargeysa wax la
qabanayaan, oo ay ka dhigayaan mid ay dadweynuhu leeyihiin, gacana weyna
ay ka geysan doonaan sidii ay wax tar ugu geysan lahaayeen.
Arrintani waxay ku soo beegantay, iyada oo ay soo baxayeen muran ku
saabsan maamulka Jaamacadda, waxaana maalintii doraad xabsiga loo taxaabay
ku simaha gudoomiyaha Jaamacadda C/Raxmaan Axmed Shunuf, ka dib markii uu
amray wasiirka waxbarashadu. Balse la sii daayey markii uu saacaddo
xidhnaa.Top
Xagaaga
Xeebta Berbera Iyo Xarakaadka Dekadda Oo Kordhay
War-Bixin, Wariyaha Haatuf.
|
Magaalada dekeda ah ee Berbera oo kutaala
xeebta bada cas ayaa sida magaalooyinka kale ee xeebaha haatan kujirta
wakhtigga xagaaga oo si aad ah sare ukaco heerkulku, taasoo ka dhigta dhul
aad u kulul oo aanay dadku xamili Karin iyadoo ay dadku u xagaa baxaan
dhulka xeebaha ka baxsan ,dhinaca kalena waxaa kordhay dhaqdhaqaaqa shaqo
ee dekeda taasoo kadib markii ay dekeda kusoo xidheen Doonyo iyo maraakiib
badeecado kala duwan sidaa warbixin arimahaa ku saabsan waxa magaalada
Berbera nooga soo diray wariyahayaga magaalada Berbera C/raxmaan X. Daahir
( Casaan) waana tan:
“magaalada Berbera oo wakhtigan la gudo galay xagaaga oo uu heerkulku si
aad ah aad ah sare ukaco,taasoo keenta in badi ay dadku ka xagaa
baxaan,laakiin xagaagani waxa uu la kowsaday iyadoo ay xaami noqotay
shaqada dekeda berbera kadib markii ay dekeda soo gaadheen maraakiib badan
oo sida shixnado kala duwan ku waasoo ay badankoodu ka yimaadeen dalka
Imaaraadka Carabta badeecadahaasi oo u badan kuwa loo yaqaano bagaashka
kuwaasoo si isdaba joog ah u soo gaadhayey dekeda maalmihii u dambeeyay
taasi waxay keentay inay dadweynuhu ku mashquulaan dekeda oo ay u shaqo
doontaan taasoo xoojisay dhaqdhaqaaqa ka socda dekada. Badeecadaha haatan
soo gaadhaya dekadu waxay ubadanyihiin badeecadihii uu saamaynta ku
yeeshay dagaalkii khaliijka ee ay xulafadu ku qaaday dalka ciraaq bioshii
la soo dhaafay,markaasi oo ay yaraadeen maraakiibta badeecadaha ka qaada
khaliijku iyaga oo ka cabsi qabay dagaalka ka socday ciraaq.
Hase yeeshee intii la soo gaba gabaeeyey dagaalkii khaliijka waxa kordhay
badeecadaha ka yimaada khaliijka iyadoo badnaanta badeecadaha soo
gaadhayey dekada laga dareemayey magaalada Berbara, taasi oo sare u
kicisay mooraalka dadka reer Barbara oo uu nolol maalmeedkoodu ku xidhnaa
shaqada ay ka qabtaan dekada Barbara.
Waxaase hakad galiyey xawliga badeecadaha soo gaadhayey dekada liisan
ganacsi oo shardi looga dhigay canshuurta badeecadaha iyadoo aan la
canshuurayn cidii aan liisankaa sidan ,waxaanay dadka ganacsatada ahi
kamuujiyeen arrintaasi cabasho xoog ahiyagoo ka biyo diiday liisanka lagu
soo rogay. Sidoo kale waxa badeecadaha is hortaagay tayo xumo dhinaca
maamulka kastamka Berbara ahiyadoo wax laga badalay habkii hore ee
canshuuraha loo qaadi jiray.
Waxa hadaba aan meesha kla maqnayn aqoon la’aan dhinaca maamulka ah oo ah
cida is waafajinaysa canshuurbixiyaha iyo canshuurta lafteeda iyadoo
xogaha ku dhadhaw arrimahaasi ay sheegayaan in cabashooyinka soo yeedhaya
inay sabab u yihiin gadhwadeenka canshuur u ruriyayaasha oo la sheegay
inuu yahay nin aqoon sidaasa u lahayn xirfada canshuur u rurionta isgoo ah
nin ku cusub agaasinka shaqada iyadoio ay arrintaasi u yimaadeen Berbera
masuukiyiin ka tirsan wasaarada maaliyadu iyagoo u kuurgalayuey sida ay u
socdaan shaqada waaxda kastamadu maadaama aanay hawshaa waxba ka tarin bed
bedelaad badan oolagu sameeyey waaxda kastamada mudooyinkii u dambeeyey,
waxaanay dadbadani tuhun san yihiin innanay bedbedelaadaasi ka taganayn
danta maamul ee wasaarada maaliyada.”Top
Maansadan Gaadh-haye oo uu tiriyey Mujaahid C/Salaan
Yaasiin, wuxuu kaga hadlayaa halgankii loo soo galay Gobonimada
Somaliland, iyo sida loogu baahanyahay in la ilaaliyo midnimada iyo
Cadaaladda oo ah laf-dhabarta halgankii SNM.
Waxan ahay nin gaadhoo
Hadal badan ma geyo ee
Geesaha wargeyskani
Warka dunida geeyaa
Waxan ku soo gudbinayaa
Afar haloo gedayda ah.
Gabin waa mid aan idhi
Guud ahaanba ehelkay.
Gallad Eebbe weeye
Baadida la soo geli
Guryo timi hashii beri
Goob kale ku oodnayd
Waxa lagu gelbinayaa
Galax caanaheediyo
Nabad gaaddweyniyo
Somaliland Guul.
Gaafaha ka joogoo
Garabka isa saaroo
Yaanay Guurin abidkeed.
Gabin waa mid aan idhi
Dawladdeenan gaaska ah.
Gobanimadu waa door
Geesi loo horaayoo
Gawrac loo mutaystaa
Yaanay Guurin abdikeed.
Garsoorkuna xaq weeyaan
Eebbaheen gudoonshoo
Geyigabu la'aantii
Nolol gaadhi maayee
Isna yaan la gabinee
Gacan mudan ku maamula.
Gaajadiyo cudurkiyo
Maarayn gurcaniyo
Darxumadna garbtira.
Gabin waa mid aan idhi
Goobaha siyaasiga.
Doorashada haddu galoo
Tartankii la geystoo
La gudoonsho tiradii
Ururka waxa gankiisa
Inuu gacan salaameed
U gudbiyo kuwii helay.
Isna gaadh ahaadoo
Gurac iyo farsamo xumo
Yaan la gelin
Ku hawl gala.
Gabin waa mid aan idhi
Guutada wargeysyada.
Gaadh ahaada weligiin
Yaan la goynin hadal gob ah
Gefka aad u daba gala
Runta guudka soo dhiga
Geyigeena daafaca
Gobanimada dhawrsada.
Dr. Cabdisalaam Yaasin Maxamed.Top
Af-Xumo
Nabadna Way Kaa Kaxaysaa, Colaadna Waxba Kama Tarto. |
Maalintii arbacadii todobaadkii hore waxan aad
uga yaabay maqaal ku soo baxay jaraa'idka Jamhuuriya boga fariinta
akhristaha maqaalkaasoo ciwaankiisu ahaa (DADKA REER SOMALILAND WAXAY
DOONAYAAN ISBADAL)
tolow ninkii maqaalkaa qoray oo lagu magacaabo Maxamed Cali. Miyuuna
arkayn isbadalka wayn ee dalka ka dhacay iyo inuu dalku yeeshay madaxwayne
shacabkiisu doortay? Mise wuxuu iska indha tirayaa sida dadka qaar ay
maantaba iskaga indhatirayaan madaxwaynaha shacabkiisu doorteen.
Waxa kaloo aad iiga yaabiyay hadalkii uu yidhi ninkaasi oo ahaa : "raga
maanta maamulka dalka u haya waa rag aan dalka dan ka lahayn",
waxaan leeyahay ninyohow ragaad sheegaysaa hadayna maanta dalka dan ka
lahayn heerka uu marayo ee horumarka u ah wadanka iyo umadiisaba may soo
gaadhsiiyeen Waxa kaloo xusid mudan been abuurkii ahaa Qaybe fasax laba
sanadood ah ayuu dalka kaga maqnaa waxaan filayaa inuuna Qaybaha aynu wada
garanayno fasax laba sano ah dalka kaga maqnayn, tolow markaa ma qaybe
kaloo aan kaa ahayn baa jira?
Waxaan ninka u sheegayaa anigoo uga jawaabaya hadalkii uu ku yidhi Qaybe
ayaa fara galin ku sameeyay natiijadii doorashooyinka madaxwaynaha iyo
M.ku xigeenka inuuna ahayn Qaybe nin damiirkiisa iyo akhlaaqdiisu u
saamaxayn inuu dalkiisa iyo dadkiisaba khaayimo oo uu xaqa oo cadna ag
maro.
Hadalka kale ee aan aadka ula yaabay waxa weeyaan hadalkii ninkaasi uu ku
yidhi wargeyskaa, "waxa dawlad ah oo dalka ka dhisani ma jirto", hadaba
waxaan leeyahay ninka hadaanay tani dawlad ahayn ma kuwa xamar ka dhisan
ayuu dawlad u yaqaanaa tallow.
Takale ee aan u qaadan waayay waa wargeyska Jamhuuriyo oo difaacaya ninkaa
meel kaga dhacay dalka iyo madaxdiisa, Waxaan odhanayaa ninkii qoray
maqaalkii ciwaankiisu ahaa QAYBE MA WAXBAA KA SIYA MISE WUU IS
YEELYEELAYAA, waa kugu ceeb inaad madaxda dalkaaga caydid.
Waxaan u sheegayaa ninkii soo qoray maqaalka iyo weriyihii maqaalka danbe
qorayba inuu Qaybe nin idinka sharaf badan uu yahay. Qaybena waxba kagama
qaadi kartaan afxumo, Oo waatii tidhi maahmaah soomaali ah (afxumo nabadna
way kaa fogaysaa colaadna waba kama tarto).
Hadaba waxaan u sheegayaa maamulka wargeyska Jamhuuriya inuu iska
illaaliyo maqaalada qayru masuulka ah ee lagu soo qorayo wargeyskooda.
Ugu danbayn waxan hanbalyo u dirayaa shacabka reer Somaliland ee sida
wanaagsan ee quruxda badan leh ay uga qayb qaateen doorashadii
madaxwaynaha iyo m.kuxigeenka. waxaan kale oo aan hanbalyo u diryaa
madaxwaynaha dalka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo M.kuxigeenkiisa
Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxaan kaloon mahad naq u soo jeedinayaa shirgudoonka labada gole,
wakiilada iyo guurtida sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen hawshoodii.
Waxaan u soo jeedinayaa shacabka reer Somaliland iyo wakaaladaha saxaafada
inayna dheg u dhigin wararka meel kaga dhacaya dawlada, dalkooda iyo
madaxdooda
C/raxiim Caydiid Abokor.Top
JILBO-DHIIG, waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A.
Ducaale. |
Goor ay casar gaaban tahay oo ay qoraxdu nin
joogii godka ka sarayso, ayey Biixi iyo Xayaad oo alaabtii tuurta ku sitaa
gaadheen guriga reer Mooge ee Miyiga, dabadeedna odaygii Mooge (Biixi
aabihii), oo guriga duleedkiisa adhiga mayracaya, ayey ugu horeyn isla soo
taageen, waxayna is-dhaafsadeen Salaan, ka dibna cabaar ayey is yar
waraysteen.
Odaygii Mooge ayaa wiilkiisii Biixi ku yidhi “Aabe gabadhani maxay ahayd?”,
ka dibna Biixi ayaa ugu jawaabay “aabo gabadhani marka hore waa gabadh
reer Qansax ah, mar labaad-na gabadhani waa gabadh wax weyni naga
dhaxeeyaan” odaygii ayaa haddana yidhi “Aabe gabadha ma ehel baynu nahay?”,
Biixi “Aabo ehel baanu nahay, laakiin ehelnimadu taad moodi maaha” odaygii
ayaa haddana yidhi “Aabe ehelnimada aan taa aynu naqaan, ii jilci”, ka
dibna Biixi ayaa ku jawaabay “Aabo waan kuu jilcinayaaye aynu hoyano”
odaygii ayaa haddana yidhi “waaryaahee gabadha guriga gee”, ka dibna Biixi
iyo Xayaad waxay hore ugu mareen gurigii, waxayna qol-qolka kula kulmeen
islaantii Biixi hooyadii, wayna salaameen, oo Biixi ayaa yidhi “Hooyo
gacaliso ma nabad-baa”, islaantiina waxay tidhi “hooyo waa nabade ii waran”
Xayaad lafteeda ayaa islaantii Salaantay oo ku tidhi “Hooyo ii waran”
dabadeedna ardaagii guriga ayaa dermo loo dhigay, alaabtii ay sideen
islaanta ayaa loo dhiibay. Xayaad iyo Biixi waxay badhida dhigeen dermadii
loo dhigay, laakiin islaantii Biixi hooyaddii markii ay gogoshii dhigtay
ayey u dhaqaaqday dhinicii odaygeeda, oo meel waxoogaa guriga u jirta
adhigii mayracaya, halkaas ayey labadoodii isku yara qoor laabeen, waxayna
is-weydiiyeen sida laga yeelayo dhalinyarada reerka u soo hoyatay.
“ee sidee loo galayaa, dadkan martida ah ee inoo yimid” ayey tidhi
islaantii, ka dibna odaygii ayaa ku jawaabay “xoolaha wax uga qal”, ka
dibna lax gool ah ayey islaantii iyo odaygii xagga guriga u soo taxaabeen,
oo ay dhegta dhiiga u dareen, halkaas ayaa habeenkii Biixi iyo Xayaad si
fiican loogu sooryeeyey, laakiin intii aanu gabalku dhicin oo xoolaha la
xerxeraynayey ayuu Biixi labadiisa waalid (aabihii iyo hooyadii) u qoor
laabay, oo uu fahamsiiyey gabadha la socota iyo qaddiyadeeda.
Hase yeeshee markii la casheeyey ayay Biixi iyo Aabihii isugu tageen ardaa
guriga duleedkiisa ku yaal oo uu odaygu jiifay, islaantii Biixi hooyadiina
way u timid, ka dibna Biixi arrintii ayuu labadiisa waalid uga dhacay,
wuxuuna tafaasiil dheer ka dib ku soo xidhay hadalkiisa, “Aabe iyo Hooyo
waxaan halkan idinka codsanayaa inaad isugu kaaya ducaysaan, aniga oo aad
ugu rajo weyn ama u aaminsan inay maanta tahay maalintii uu mustaqbalkaygu
degi lahaa”.
Biixi waa qof ay labadiisa waalid aad u jecelyihiin sidaa darteed aad bay
ugu nugul yihiin arrimihiisa, rabitaankiisana had iyo goor kama
horjoogsadaan, dabadeedna waxay ku yidhaahdeen “anagu kaama horjoogsanayno
waxaad doonayso, gabadhaa aad is rabtaana waanu kuugu ducaynaynaa,
Ilaahayna waxaanu kaaga baryaynaa inuu kaaga dhigo oori kheyr qabta oo aad
ku xasisho, rabina ubad khayr qaba idin kala siiyo, laakiin wiilkayagiiyow
waad ogtahayoo anagu kulama jeclin dhoof iyo beled shisheeye, waxaananu
rabnaa inaanad dhaafin meel ay dhegtayadu kaa maqlayso, ishayaduna marba
kaa arki karto.
Dabadeed Biixi wuxuu hadalka waalidkii kaga jawaabay “Aabo iyo hooyo aniga
qorshaha iiguma jirto iyo inaan mar dambe idinka fogaado, ee sidaa igu
ogaada”, ka dibna gudoon iyo hagaag ayey Biixi iyo labadiisii waalid
arrinta ku soo afjareen, iyada oo uu Biixi labadiisa Waalid inay isaga iyo
gabadhu aroorta u bixitimayaan dhinaca magaalada Hargeysa.
Top
Hal Booli
Ahi Nirig Xalaal Ah Ma Dhasho, Cali Maarshaal San Jose - California. |
Go’aankii kama dambeysta ahaa ee ay Maxkamada
sare ku dhawaaqday in tartankii Dorashadii Madaxweynaha uu xisbiga UDUB ku
guulestay, waxa ay ka markhati kacday siddii wasirka daakhiligu (Ismaciil
Yare) hore u shiigay: taas oo uu yidhi Maxkamadu waxa ay raacidoontaa
sidii ay komishanku hore ugu dhawaaqeen. Ninkii aan quusan maalinta
Ismaciil yare uu sidda ku faanaayay naftiisaa quus ah. Nasiibdaro, sida la
ogsoon yahay Maxkamada Sare iska may deedafeyn dhawaaqa ka soo yeedhay
wasiirka. Aamuska Maxkamada hadaba ma loo qaadan kara af wax cunay xishood?
Dawlada Rayaale ee hadda loo dhaariyay in ay hogaamiso Somaliland shanta
(5) sannadood ee soo socota, waa mid ku timid doorasho aan si xaq ah loo
tira koobin. Sidaa awgeed kursiga waxa loo dhaariyay nin tiro koob sax ah
aan ku helin codeyntii. Taasina himiladii dadka reer Somaliland ee ahayed
horumar, ictiraaf la helo iyo nabad lagu waaro dhaawac weyn bay gaadh
siisey.
Waxa la aqbali kari lahaa Natiijada Dorashada haddii afarta dhacdood ee
hoos ku qoran la heli laaha:
Dadweynaha doonaya in ay codkooda dhiibtaan oo aanay cidina iska hortaagin
iyaga oo u xor ah in ay u codeeyaan cidii ay doonayaan (free election) iyo
dawladoo oo aan u adeegsan si sharci daro ah hantida daddka ee ay amaanada
u hayso - maal iyo qalba ba- (fair election).
Codka ay dadweynaha si sharciga waafqsan u dhiibten ee aan xumaanin oo la
tirin laha. Iyo Maxkammad qaynuunka taqaana oo aan cidna u habran.
Afartaa shuruudood hadii aanay dorashado buuxin, waa hal bacaad lagu lisay.
Waxna kama jiraan wax Maxkamadi ku dhawaaqday oo hore meel loo sii dhigtay
sidoo wasiirku sheegay. Tafaasiishan hoos ku qoran ayaa cadeynaya in aan
afartaa shuruudood aan la booxin.
1.Cod dhiibashada oo aan la is hortaagin (free).
Waxa la ogsoonyahay in gooba badan oo taageerayasha Kulmiye aqlabiyada
lahaayeen ay markiiba waraaqihii lagu codiynayey ka goeen, dadkii oo aan
codeyninna ay ka dareerin markii wakhtigu ka dhacay. Goobaha sidaa logu
khidadeeyay waay fara badnaayiin, waxaa si ka mid ahaa Caynabo. Taasi waxa
ay la mid tahay iyada oo dadweynihi doonayay cod kooda inay dhiibtaan la
iska hortaagay. Sidaa awgeed doorasho xor ahi (free) maay dhicin.
2.Codeynta oo loo sinnaado (fair).
Waxa kale oo la ogsoon yahay in aanay doorashado aheyn mid loo sinaa
(fair). Qaynuunku waxa uu mamnoocaya in hantida dadweynaha loo adeegsado
in lago galo doorasho siyaasadiid sii tartanku u sinnado. Waxa kali oo uu
mamnoocayay in shaqaalaha dawlada loogu caga jogleeyu amba lagu eryu xisbi
dawlada ka soo horjeeda in ay taageeraan wakhtiga an shaqada lagu jirin.
Waxa inta raaca in aanu Radio Hargeysa iyo madbacada iyo jaraaidka dawlado
ay dhex u noqdaan axsaabta ku tartamyesa siyaasada.
3.Tirada oo La Dhamaystiro.
Intaa waxa raaca in codeyntii dadka degmada bali-calanleh aan la tirin
iyada oo uu komisionku ku andacooday in goobtii lagu codeeyay iyo Burco
gudaheedaba lagu tirin kariwaayey nabadgelyo daro awgeed. Waxa isweydiin
leh sababta sanduuq qudha Burco oo caasimada labaad ah loogu tirinkari
waayey iyada oo aynu ogsoonahay in boqolal sanduuq oo kalaba lagu tiriyay.
Komisionku way ka gaabsadeen in ay dacwo ku soo oogaan cidii nabadgelyo
darada ka dambeysay. Hadii Burco lagu tirin kari waayey sababto siday
doontaba ha ahaatee, maxaa meel nabad gelyadu sugantahay loo keeniwaayey
sida Hargeysa oo kale. Taa macnaheedu waxa weeye nabadgelyo darada waxa ka
dambeysay dawladda. Laakiin Waxa waxaasoo dhanba ka caddalad xun
maxkamadaa Sare ee sandooqa bali-calanleh tidhi la tirinmaayo sababtoo ah
wakhtigii sii buu dhaafay. Tamaandho qudhunta ayaa la arki jiray ee
maantaa inoogu horaysa cod la dhiibtay maalintii doorashada oo la
yidhaahdo wakhtigii baa ka dhacay sidii tammaandho qudhuntay. Nin noolow
maxaa aragti kuu laaban.
Sheekadani waxa ay I xasuusisay sheeko uu General Caydiid ugu maahmaahay
Cali Mahdi markii uu madaxnimada sheegtay Cali Mahdi aanu meelna u soo
marin. Waxaanu yidhi: Nin ba ugaadh eryanaayey maalin dhan, goor
galabnimadii ah ayay iyada oo daalan reer duleedkii ay ku dhacday. Mid aan
waxba ogeyn oo reerkii imika uun ka soo toosay baa ugaadhii iska qashay.
Ninkii ugaadha maanta oo dhan eryanaayay oo xiiqsan baa isa soo dul taagay
ugaadhii oo nin kale qalannayo. Iyadii oo labadii nin isku haystaan
ugaadhii ayey martiyi isa so dultaagtay. Martidii ba gartii loo dhiibay.
Martidii inta ay faqeen bay yidhaahdeen waar kan reerkiisu halkan yahay
ayaynu la cuni karnaa ee ninkan xiiqsan danteenu kuma jirto.
Halka ayey xaq daro ugu xukumeen iyaga oo hunguri qaatay. Siddaa awgeed
tiro koob aan xaq aheyn kama dhalan karto dawlad xaq ahi sida aanay hal
booli ahi u dhali Karin nirig xalaal ah.
Cali Guuleed, San Jose, California.
Top
|