Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 339 May 25, 2003

Badheedhaha Wargeyska: Golaha Wasiiradu Xaaraan Bay Xilka Kusii Haystaan.

Arrimaha Bulshada: MUSHKILADAHA KA DHASHA TELEFOONADA.

Tacsi.

Hambalyo Meher.

Hambalyo Aroos.

Weftigii Somaliland Oo Koonfur Afrika Kaga Qaybgelaya Shirka Midowga Afrika.

Weriyaha Haatuf Ee Boorama Oo Ka Waramay Xaaladii Xadhigiisa.

Qorshaha UDUB, Qanac La’aanta KULMIYE Iyo Qodobada La Isku Mari La’yahay.

Ciidanka Booliiska Boorama Oo Qabtay 3 Kiiloo Oo Xashiishad Ah.

Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Amba-Baxay Dalka Hindiya.

Qaramada Midoobay Oo 300 Oo Meyd Ah Ka Heshay Koongo.

Hogaamiyeyaashii Gooni-U-Goosadkii Koonfurta Yemen Oo Cafis Loo Fidiyay.

Dhimashada Dhul-Gariirkii Aljeeriya Oo Gaadhay 1800 Oo Qof.

Gudaha Madaxtooyada Iyo Wasiirada Gadaanka Saaran.

Golaha Guurtida iyo Kulankii Albaabadu U Xidhnaayeen.

Heshiiskii Dhex Maray Maamul Goboleedka Puntland.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Degmada Gebilay Yaanay Gabood U Noqon Mucaarad Kursi Doon Ah.

Golaha Deegaanka Boorama.

Dawlada Cusub Ee Rayaale Iyo Duruufaha Horyaal, Maxamed Cabdi Xasan (Diri-Dhaba) - Karachi, Pakistan.

UDUB Iyo KULMIYE-ba Waan Saluugsanahay.

UDUB Gar iyo Gar-Daraba ma Iyadaa Guusha.

Nin Xil Qaaday Eed Qaad.

Aabaha Nabadu Waa SNM iyo Dadweynaha.


Badheedhaha Wargeyska: Golaha Wasiiradu Xaaraan Bay Xilka Kusii Haystaan.

14kii May 2003 marka laga reebo madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka Somaliland oo iyaga dib loosoo doortay xukuumadda inteeda kale ilaa iyo iminka may jirin wax sharci ah oo xalaalaynaya inay xilka sii haystaan waxayna golaha wasiiradu tobankaa cisho ee mudadaa ka dambeeyay ugu fadhiyeen kuraasta sifo aan waafaqsanayn sharciga, maadaama ay xukuumadda kaga ekayd 14kii May.

Haddaba, inkastoo aanay muddo dheeri kasoo wareegin dhaartii madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka, isla markaana mudadaas la magacaabi karayay dawlad cusub. Laakiin weli waxay dadku u dhegtaagayaan xukuumadii xulka ahayd ee uu ku balanqaaday madaxweyne Rayaale taasoo aanu ilaa hadda ku dhawaaqin, waxayna dadku ka werwer-qabaan oo ay isweydiinayaan, maadaama golaha wasiirada sharciyadii dastuuriyan ay lahaayeen dhamaatay dibna aan loo soo magacaabin waa maxay waxa ilaa maanta ay u sii fadhiyaan xafiisyadii dawlada? Ta kale, tobanka cisho ee ay xaaraanta ku joogeen waxyaabaha ay saxeexaan sidee bay sharci u noqonayaan?

Sidoo kale waxay dadku ka wer-werqabaan oo ay leeyihiin “ma laga yaabaa in dalku galo xaalad sharci-darro oo jaantaa rogan ah” iyadoo ay hore u jirtay inuu Baarlamaanku bilaa sharci ku korodhsaday mudadii xilka oo ay iyagu uun isku kordhiyeen, taasina ay ku korodho wasiirada bilaa sharciga ku haysta kuraasta. Si kastaba ha ahaatee waxa loo baahan yahay kahor inta aanu Daahir Rayaale soo saarin liiska xukuumada cusub inuu xafiisyada ka dareeriyo dhamaan wasiirada hore ee xaaranta ku jooga xafiisyada wasaaradaha si aanay mushaakil ugu noqonin awooda maamul, dhaqaale iyo ta sharciyeedba.
 

Top


Arrimaha Bulshada: MUSHKILADAHA KA DHASHA TELEFOONADA.

Dadbadan ayaa talaabooyinka horumarkoodu usoo jiidaan dhibaatooyin horle oo ku dhaliya walbahaar iyo wer-wer ka dhashay waxayaabaha ay kusoo kordhiyeen guryohooda.waxyaabahaas waxa ka mida,isgaadhsiinta Telefoonada oo beryahan danbe isticimaalkoodu aad ugusoo kordhay S/land, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, laakiin sida uu horumarkastaa u leeyahay dhibaatada ayay telefoonaduna u yeesheen dhibaato, gaar ahaan nooca landline-ka ee lagu isticmaalo guryaha iyo xafiisyada waxayna dad badani cabasho ka muujiyeen dhibaato iyo mushkilado ay sababeen telefoono ay u soo direen dad aanay garanayn, kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay degenaanshaha iyo xasiloonida guryahooda ama xafiisyadooda.

Marka arrintaa laga hadlayo maaha in loo jeedo dhibaatada caafimaad iyo khasaaraha ay telefoonadu gaadhsiin karaan caafimaadka iyo nolosha dadka isticmaala, laakiin waxa laga hadlayaa khilaafyada ka dhasha ee keena hinaasaha iyo waxyaabaha aflagaadooyinka ah ee ku abuura qofka cadhada marka ay dad aanu garanayni soo garaacaan taleefankiisa, kadibna ay caayaan, taasoo qofka mararka qaar ku abuurta cadho waxayna arrimahani sababaan inaan dad badani jeclaysan dhawaaqa telefoonadooda marka ay joogaan xafiisyada ama guryahooda iyadoo ay ugu wacan tahay waxyaabaha ay kala kulmeen. Waxa iyana dhacda inaanay dadkaasi hubsan cida la hadlaysa ee telefoonka usoo dirtay, kuwaasoo bixiya jawaabo qalafsan iyo hanjabaado iyagoo u haysta dadkii khaatiyaanka ka dhigay, laakiin waxa iyana arrintan aad loo dareemaa marka uu qofka ka khaldamo lambarkii uu doonayay ee uu la kulmo jawaabo kulul oo aanu ku qancin, kuwaasoo ka dhashay khaladaad iyo gef lagu sameeyay dadka iska leh lambarka oo ay soo garaaceen dad isaga ka horeeyay, balse halkii looga sheegi lahaa inuu lambarkiisu khaldan yahay uu la kulmo aflagaado aanu filayn.

Sidoo kale waxa iyana dhacda in mushkiladaha noocaas ah ee telefoonadu ay abuuraan fidno iyo rabshado dhexmara laba xaafadood ama laba qoys, taasoo keenta inay dumarku dagaal fooda is-daraan. Laakiin mushkiladaha telefoonadu maaha intaas oo keliya ee waxa jira qaar kale oo qoyska ka dhex-abuura khilaaf, kaasoo ka dhasha shaki iyo dareen hinaase oo dhexmara ninka iyo ooridiisa, waxayna arrimahaasi mararka qaar sababaan inay burburiyaan qoyska.

Qaar ka mid ah dadka ay mushkiladaha noocan ahi lasoo derseen ayaa tafaasiil ka bixiyay siyaabaha ay mushkiladu u waxyeelayso iyo cawaaqib-xumada ay kala kulmeen dadkaas oo rag iyo haweenba leh ayaa cadeeyay siday boosaskoodii u galaafteen muran hinaase oo ka dhashay telefoono si khaldan ugu soo dhacay amaba qaarkood lagu ciyaarayay kuwaasoo ay soo direen dhallinyaro hablo iyo inamaba leh.

Gabadh magaceeda ku sheegtay Amran ayaa ku tilmaantay khilaafka ay iyada iyo ninkeedu ku kala tageen inay sabab u tahay arrintani.
Waxyaabihii Amran iyo ninkeeda kala gaadhay iyo qaybo kale oo xiiso leh la soco cadadka dambe ee Axadda.

Top


Tacsi.

Hooyo Weris Aw Jaamac Xasan, C/Fataax Maxamuud Caydiid Iyo Xaaskiisa, C/Raxmaan Maxamuud Caydiid, C/Caadil Maxamuud Caydiid, Ifraax Maxamuud Caydiid Iyo Carruurteeda, Nasra Maxamuud Caydiid, Raxma Maxamuud Caydiid, Iyo Nuura Aw Jaamac Xasan Waxay Tacsi U Dirayaan Ilma Maxamed Xoore Oo Hooyadood Ku Geeriyootay Magaalada Hargeysa 23/05/03.

Top


Hambalyo Meher.

Gudoomiyaha Shirkadda NPP Xasan Cabdi Shide, Mareeyaha NPP Maxamed Maxamuud Dacar, Axmed Cabdi Jaamac, C/Salaan Maxamed Aadan, Iid Cadaani Kabadhe, Maxamed Cabdi Aadan, Maxamed Hurre, Cawil Xuseen, Maxamuud Jaamac Iyo Dhamaan Shaqaalaha Shirkadda NPP Waxay Hambalyo
Faysal Muxumed Iyo Kawsar Cismaan Maxamed Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 23/05/03, Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Bash Bash Iyo Barwaaqo Ku Noolaada, Aamiin.

Top


Hambalyo Aroos.

Aabo Cabdi Xuseen Rooble,Hooyo Shamis Maxamad Iyo Caruurtooda Oo Kala Ah; Nawaal Iyo Caruurteeda, Najaax Iyo Caruurteeda, Nadiira Iyo Caruurteeda, Maxamad,Hibo Iyo Caruurteeda, Hoodo Iyo Caruurteeda, Hodan, Mubaarak. Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Xuseen Maxamed Rooble Iyo Nimco Cismaan Huriye,
Oo Ka Dhacay Magaaalada Hargeysa Habeenkii Jimcaha 23/05/03. Waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, aamiin.

Hambalyo Aroos.

Aabo C/Laahi Xuseen Rooble Iyo Hooyo Sahra Jaamac Ciise Iyo Caruurtooda Oo Kala Ah Suhuur,Ifraax Iyo Caruurteeda,Khaddar Iyo Xaaskiisa, Xasan Iyo Xaaskiisa, Ayaan, C/Casiis Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Xuseen Maxamed Rooble Iyo Nimco Cismaan Huriye, Oo Ka Dhacay Magaaalada Hargeysa Habeenkii Jimcaha 23/05/03. Waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, aamiin

Hambalyo Aroos.

C/Rashiid Cabdi Jaamac Iyo Xaaskiisa, Xasan Cismaan Iyo Xaaskiisa, Xasan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Koos Cabdiismaaciil Jaamac Iyo Xaaskiisa,Farxaan Maxamad Aw Muxumad,Quule Ugul Xandula Iyo Xaaskiisa,Jaamac Maxamad Iyo Xaaskiisa,Axmad Cali Maax Iyo Xaaskiisa, Maxamad Qaloon Iyo Xaaskiisa, Salaan Yuusuf Iyo Xaaskiisa, Maxamad Qaloon Iyo Xaaskiisa Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska
Xuseen Maxamed Rooble Iyo Nimco Cismaan Huriye, Oo Ka Dhacay Magaaalada Hargeysa Habeenkii Jimcaha 23/05/03. waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, aamiin.


Hambalyo Aroos
Maxamad Cali Ibraahin Iyo Xaaskiisa,Maxamad Mahdi Iyo Xaaskiisa,Ismaaciil Mahdi Iyo Xaaskiisa, Baashe Cabdi Iyo Xaaskiisa,Maxamad Caydiid Iyo Xaaskiisa, C/Rasaaq Xasan Iyo Xaaskiisa ,Daahir Muumin Cumar Iyo Xaaskiisa, Abuubakar Qalinle Iyo Xaaskiisa Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Xuseen Maxamed Rooble Iyo Nimco Cismaan Huriye, Oo Ka Dhacay Magaaalada Hargeysa Habeenkii Jimcaha 23/05/03. waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, aamiin.

Hambalyo Aroos.

Maxamed Ibraahim Dubad Iyo Xaaskiisa, Muuse Sigad Caalin Iyo Xaaskiisa, Guuleed Hugur Ducaale Iyo Xaaskiisa, Cabdi Yuusuf Maxamed, Ibraahim Sugsiiye Bade Iyo Xaaskiisa, Mustafe Carab Maxamed Iyo Labadiisa Xaas, Cabdi Yuusuf Mooge Iyo Xaaskiisa, Aadan Dubad Iyo Xaaskiisa, Cismaan Mahdi Buubaa Iyo Dhamaan Bacadlaha Waaheen Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Xuseen Maxamed Rooble Iyo
Nimco Cismaan Huriye, Oo Ka Dhacay Magaaalada Hargeysa Habeenkii Jimcaha 23/05/03. waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, aamiin.

Hambalyo Aroos.

Hooyo Xaliimo Macalin Axmed, Axmed Maxamuud Rooble Iyo Xaaskiisa Fahiima Jaamac, Faysal Maxamuud Rooble, Hinda Maxamuud Rooble Iyo Odaygeeda Iid Cismaan, Maxamed Maxamuud Rooble, C/Rashiid Maxamuud Rooble, Nuura Maxamud Rooble C/Raxmaan Maxauud Rooble, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Xuseen Maxamed Rooble Iyo Nimco Cismaan Huriye, Oo Ka Dhacay Magaaalada Hargeysa Habeenkii Jimcaha 23/05/03. waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, aamiin.

Hambalyo Aroos.

Aabo Xasan Rooble Guuleed, Hooyo Hibo Oomaar Kaahin Iyo Caruurtooda, Maxamed Xasan Rooble Iyo Xaaskiisa, Cumar Xasan Rooble Iyo Xaaskiisa, Rooda Xasan Rooble Iyo Carruurteeda, C/Risaaq Xasan Rooble, Khadra Rooble Guuleed, Mustafe Jaamac Hadhiye Iyo Xaaskiisa, Fihiima Jaamac Hadhiye Iyo Odaygeeda, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Xuseen Maxamed Rooble Iyo Nimco Cismaan Huriye, Oo Ka Dhacay Magaaalada Hargeysa Habeenkii Jimcaha 23/05/03. waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, aamiin.

Dhamaan Reer Huriye Handuleh Iyo Ubadkii Ka Tafiirmay Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Xuseen Maxamed Rooble Iyo Nimco Cismaan Huriye, Oo Ka Dhacay Magaaalada Hargeysa Habeenkii Jimcaha 23/05/03. Waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, aamiin.

Top


Weftigii Somaliland Oo Koonfur Afrika Kaga Qaybgelaya Shirka Midowga Afrika.

Pritoria (Haatuf): Saddex wasiir oo Somaliland todobadkii ina dhaafay uga baqoolay booqasho ay ku tageen Koonfur Afrika ayaa lagu soo waramay in caasimadda dalkaas ee Pritoria ay doraad gaadheen, iyaga oo muddo dhawr casho ahna booqasho ku joogay magaalooyin kale oo dalkaas ka tirsan, weftigaas oo kala ahaa wasiirka arrimaha qoyska Marwo Edna Aadan Ismaaciil, wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Siciid Gees, iyo wasiirka deegaanka Maxamed Muuse Cawaale, waxa iyana dhexda kaga biirtay Jawaahir Maxamed Cali oo la sheegay in dhawaan loo magacaabay xidhiidhka diblomaasiyadeeda ee Koonfur Afrika, waxa iyana weftigaas la socday Dr. Bulxan iyo safiirka Somaliland u fadhiya Pritoria Prof. Osmaan sida ay noo soo sheegeen xubno aan telefoonka kula xidhiidhnay waxay la balansanyihiin in 26-ka bishan in ay la kulmaan madaxweynaha South Afrika, in Thambo Imbeki iyo wasiiro kale.

Weftigaas oo la sheegay inay ku hawlan yihiin olole balaadhan oo ay wadamada gobolkaas ku yaal kaga dhaadhicinayaan qadiyadda Somaliland Xidhiidhka ay wadamadaas ka rabto. Waxa kale la sheegay in ay u sii gudbi doonaan dalka Mozambique, halkaas oo ay kaga qayb geli doonaan shirkii ururka midawga Afrika, ee sanadkan oo halkaas ka dhici doona.

Waxa iyana lagu soo waramay in laga yaabo weftigu inuu wadamo kalena uga sii gudbi doono dalkaasi.

Top


Weriyaha Haatuf Ee Boorama Oo Ka Waramay Xaaladii Xadhigiisa.

Wariyaha haatuf uga soo warama magaalada Boorama Maxamed Cumar iyo wakiilka xisbiga KULMIYE ee degmadaasi ayey maxkamada gobolka awdal ku xukuntay xadhig dibad joog ah 20kii bishan may iyadoo lagu eedeeyey faafinta iyo qoraalka war ku soo baxay Haatuf 7-dii bishan may kaa soo ku saabsanaa waraysi uu wariyuhu la yeeshay wakiilka Kulmiye.

Wariyaha oo haatan ku xukuman sadex bilood oo dibad joog ah ayaa uga waramay mudadii uu xidhnaa iyo waxyaabihii uu la kulmay wariyaha Haatuf ee degmada gabilay maxamad Xasan oo haatan ka soo laabtay socdaal uu ku tagay Magaalada Boorama waxaanu nooga soo diray warbixintan:

“Tobankii subaxnimo ee 8-dii bishan May ayaan saldhiga Booliiska ee Boorama utagay dacwad ku saabsanayd khilaaf soo dhex galay xubno ka tirsan qoyskayaga iyo qoys aanu deris nahay aniga oo doonayey in ciidamada nabadgalyada ee Boorama wax ka qabtaan.waxaan markaa la hadlay taliyaha saldhiga booliiska boorama oo layidhaa Muuse kaadhiin isaga oo sheegay inuu sugayo ciidan kuwa nabad galyada ah oo kasoo laabanaya hawlgal ay ku maqnaayeen. Saacad markii aan joogay saldhiga ayaa waxaan u tagay taliyaha oo ku hadlaya telefon mobile ah lakiin maan garan meesha lagala hadlayey, waxaase markii uu dhameeyay la igu wargaliyey inaan xidhanahay. Suunkii, kabihii iyo kamarad aan sitay ayaa laiga reebay waxaana la igu riday mid kamid ah qolalka lagu xidho dadka lasoo qabto oo saldhiga ku yaala. Aniga la yaaban sababta la igu xidhay ayaa la iiga yeedhay xafiiska CID-da waxaana la I weydiiyey inaan diray war ku soo baxay Haatuf 7-dii bishan May kaasoo nuqul ka mid ahi yaalay xafiiska. Markaa waxaan u sheegay inaan warkaa ka qoray masuulka Xisbiga Kulmiye u qaabilsan gobolka awdal oo layidhaa Axmed Yuusuf faarax, waxaase dib la iigu celiyey xabsigii oo aan ku jiray 72-saacadood ah kahor intii aan la ii keenin wakiilka xisbiga kulmiye oo sadhiga u yimid cadaynta inuu isagu warkaa I siiyay si la’ iisiidaayo balse maydhicin taasi ee isagana waa la xidhay.

Waxaan isku dayey inaan ogaado cida I haysata balse la iima sheegin. Maalintii bisha May ahayd 10 ayaa madax-dhaqameed ka socday labadayada maxbuus isku dayeen inay damiin igu soo daayaan balse uma suurto galin,dhawr jeer markii ay soo noqnoqdeen ayaa nala horgeeyay xeer-ilaalinta maxkamada gobolka oo uu joogo nin layidhaahdo Kabaweyne oo ilaa dawladii siyaad barre ka ahaa xeer ilaaliye kadibna eedaymihii CID-du u soo gudbisay markaa soo uu xeer ilaaliyuhu ka biyo diiday eedayntaasi isagoo sheegay inaanu arkayn wax xabsiga nalagu geeyo.

Subaxnimadii axada ee bisha may ahayd 19 ayaa mar kale nalagu celiyey Maxkamada Gobalka ,maalintaasi oo ahayd maalintii ay maxkamada sare ku dhawaaqday natiijadii doorashadii madaxtinimada dalka ayaa waxaan dareemay xiisaha ay xeer ilaalintu u haysay in nalagu ciqaabo dambiga la sheegay inaanu galnay ee ay CID-du soo gudbisay.

Waxaa markiiba nalagu qoray wa lagu sheegay qiraal oo uu gudoomiyaha maxkamada, subaxnimadaa ayaa si degdeg ah naloogu gudbiyey xabsiga dhexe ee boorama,kaasoo aanu ku jirnay mudo 8 cisho ah intii aan nalagu qaadin xukun degdeg ah,kaasoo khilaafsanaa heshiis ay hore ugu gaadheen hay’daha maamulka dawlada ee gobalka iyo kuwa garsoorku ay hore u gaadheen oo ahaa in nala sii daayo. xukunkii maxkamada ka soo baxayna wuxuu noqday in la I aamusiiyo mudo sadex bilood ah kaasoo ah xadhig dibad joog ah iyadoo wakiilka xisbiga kulmiyena lagu xukumay hal sano oo dibad joog ah.

Ilaa hadda maan garan sababta go’ aankan oo ah mid aan meelna kaga oolin sharciyada caalamka, intii aan xabsiga jiray maan arag wax ka baxsan banii’aadminimada oo la iigeystay, manay jirin wax dhibaato ah oo an kala kulmay ciidanka ilaalada xabsiga, ciidankaasi oo mar ahaanjiray mid kamid ah ugu adag ama ugu tababarka fiican Boorama, waxay ahaayeen kuwo qarsanayey duruufaha adag ee shaqda ka haysta.”

Top


Qorshaha UDUB, Qanac La’aanta KULMIYE Iyo Qodobada La Isku Mari La’yahay.

Hargeysa (Haatuf): Iyada oo laba todobaad laga joogo ku dhawaaqistii natiijadda maxkamadda sare soo saartay 11-kii bishan May oo sheegaysay in xisbiga UDUB noqday xisbiga ku guulaystay doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, natiijadaas oo maxkamadda sare oo masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE si weyn gaashaanka ugu dhuftay, sheegayna in aanu ku qanacsanayn go’aanka ay maxkamadda sare soo saartay, taas oo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku sheegay in maxkamaddu natiijada badhna wax kala goysay, badhna liqday, badhna tuurtay, isla markaana doorashada la musuqmaasuqaay, oo aanay ku qancaynin natiijadda maxkmadda xisbi ahaana ay dib uga shiri doonaan.

Dhinaca kale Daahir Rayaale oo 17-kii bishan May xilkaa madaxweynanimo loo dhaariyey ayaa sheegay in uu la xaajoon doono xisbiga KULMIYE isaga oo ku tiraabay inuu rajo weyn ka qabo inay isu soo dhawaadaan oo ay is-fahmaan.

Haddaba waxa la sheegay in 18-kii bishan ay kulankii u horeeyey yeesheen Rayaale iyo Siilaanyo, kulankaas oo uu dalbaday Rayaale gurigiisana ka dhacay inkasta oo aan daaha laga qaadin waxay ku wada hadleen kulankoodaas, hase yeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wada hadalkaasi uuahaa mid aan laysku afgaran, arrimaha laysku khilaafsan yahay, oo aan wax xal ah laga gaadhin.

Ilo u dhuun-daloola kulankaa ayaa sheegaya in Madaxweyne Rayaale uu waraaq u diray Axmed Siilaanyo taas oo uu ku dalbaday in uu doonayo inay kulmaan oo ay dan-qaran ka wada hadlaan, sidaas darteedna ay sidaa ku kulmeen iyaga oo intaa ku daraya in Madaxweyne Rayaale weydiistay Siilaanyo inuu u haneeyo hogaaminta dalka, taas oo uu ku yidhi “II Hanee ama aniga ayaa soo bixi lahaa ama adiga ayaa soo bixi lahaaye, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa nabadgelyada” codsigaa ka yimid dhinaca Rayaale ayaa la sheegay in Siilaanyo ugu jawaabay haddii aad rabto inaan kuu haneeyo waxaad adigu Daahiraw dadweynaha u sheegtaa oo aad qirataa in aad doorashadii boobteen, oo musuqmaasuq ku qaadateen, nabadgelyadana marwalba KULMIYE diyaar buu u yahay inuu ilaaliyo ka dibnaa waxay wararku sheegeen in kulankaa laysku fahmi waayey.

In xisbiga KULMIYE diyaar u yahay inuu nabadgelyada ilaaliyo, kana soo horjeedo wixii dhaawacaya, waxa kale oo ka mid ah qodobada ay maanta soo bandhigi doonaan eedo iyo cabashooyin ay u soo jeedinayaan xukuumadda iyo xisbiga UDUB iyo falal uu dhawaanahan wasiirka daakhiligu kula kacay xubno ka tirsan taageerayaasha xisbigooda, falalkaas oo qaar ka mid ah xubnahaa xabsiga loogu taxaabay kuwo kalena baadi-goobkooda lagu jiro.

Dhinaca kale xisbiga UDUB oo aan ilaa hadda wax talaabo ah qaadin, lana filayo in maamul cusub ay soo dhisaan ayaan la ogayn in xisbiga KULMIYE ka mid noqon doono, iyada oo Daahir Rayaale hore u sheegay in uu dawlad wadaag ah soo dhisi doono, balse ay madaxda UDUB ee ku dhaw dhaw Rayaale badankoodu la qabin dhisida dawladda wadaag ah, iyaga oo ka soo horjeeda dhisida maamul ay ku wada jiraan UDUB iyo KULMIYE.

Sidoo kale waxa iyana dadka qaar ku taliyeen warar sheegaya in labada dhinaca, isla soo qaadeen inla soo dedejiyo doorashadii golaha baarlamaanka, in la dhiso dawlad wadaag, iyo in qodobo dastuurka ah waxa laga bedelo.

Top


Ciidanka Booliiska Boorama Oo Qabtay 3 Kiiloo Oo Xashiishad Ah.

Boorama(ciidanka Booliiska ee boorama ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay gacanta ku dhigay mukhaadaraadka xashiishada nooca loo yaqaan (mar’uwaana )oo dhan 3 kiiloo iyo 400 gm. Sida uu ku soo waramay wariyaha haatuf ee Gabilay maxamad Xasan oo booqasho hawleed ku tagay magaalada boorama, qabashada xashiishadan ayaa ka dambaysay markii ay hawlgal fuliyeen ciidamada nabadgalyada ee boorama ay kula dagaalamayaan mukhaadaraadka ,taliyaha saldhiga dhexe ee Boorama ayaana u soo bandhigay wariyayaasha xashiishada ay qabteen oo xidhmooyin ah.

Taliyaha saldhiga dhexe ee Boorama Muuse C/laahi Hanfi (M.Kaadhiin)oo ka waramaya sidii ay hawlgalkan u fuliyeen ayaa yidhi “11-kii bishan aynu ku jirno ayaa naloo soo sheegay in xashiishad laga keenay Muqdisho la keenay Hargeysa, qayb xashiishadaa ka mid ahna loo soo gudbiyey boorama, taa soo loo waday dhinaca Djibouti, halkaasoo ay qaali ku tahay iyadoo nus kiiloogiiba ka yahay $ 300 ama oo Fr, xashiishadan oo ah nooca sida sigaarka loo duubo in halka xabo la siiyo 5000 oo Sl Sh” ayuu yidhi taliyuhu isaga oo intaa ku daray inay falkan ku soo qabteen laba eedaysane oo midi yahay kii meherada lahaa ee keenay iyo kii u hayey.

Dhinaca kale Talyaha oo uu wariyuhu waydiiyay sababta aanay ciidamada Booliiska ee boorama u xidhan dirays lagu garto ayaa ku jawaabay “haddii ay dadku bixin la haayeen canshuuraha Booliiskuna way heli lahaayeen Dirays iyo kabo” ciidanka nabadgalyada wadooyinka ee taraafiga oo iyagu dirays xidhan ayaa wariyaha u shaagay inay iyagu ka tosheen dawaarlayaasha taasoo ay ku kaliftay si dadka looga dhex garto.

Top


Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Amba-Baxay Dalka Hindiya.

Bombay (Haatuf) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismail Omer Gelle Ayaa Shalay Ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Bombay Ka dib Markii Uu Soo Dhameystay Booqasho Qaadatay Shan Cisho Madaxweynuhu Intii Uu Joogay Bombay waxa uu kula Kulmay Hotel Taj Oo uu Deganaa Raysal wasaaraha Gobolka ay Bombay Xukunto ee Maharshtra Mr Shinde iyo Madaxda Ganacsi Ee Magaaladaasi Madaxweyne Gele Oo Aan La kulmay Subixii Hore Ee Shalay ,Waxa Aad Uga Muuqatay Daal Farabadan waxanu ii Sheegay in Uu Halkan u Yimid Sidii loo sii Xoojin lahaa Xidhiidh-ka u Dhaxeeya Labada Dal Madaxweyne Geele Waxa uu ka gaabsaday Waraysi Aan ka Codsaday In Aan La yeesho.

Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Abdi Farah oo Dhinac Taagnaa Madaxweynaha ayaa yidhi Anigaa Diyaar u Ah waraysi Ku Saabsan Hawlaha Aanu Halkan U Nimi Ee adaxweynuhu Waa Daalan Yahaye Mar kale ayaanu Kugu Casuunay in Aad Madaxweynaha Waraysi Kaga Qaado Jibouti Haddii Alle idmo.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee India Abdi Aziz Ahmed Musa Waftiga Madaxweynaha waxa ka Mid Ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Abdi Farah, Wasiirka Gaadiid-ka iyo Qalabaynta Cilmi Obsiye Wacays, Wasiirka Waxbarashadda Cabdi Ibrahim Obsiye, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Siciid Cali Kubaysh. Agaasimaha Guud ee Quwadda Korantadda, Jamac Cali Geele Iyo In ka badan 30 Shirkadood Madaxdoodii iyo 20 ka Mid ah Askrata Madaxweynaha Ilaalisa. Tiradda waftigu waxa ay isku Ahayd 70 Qof.

Waftiga Madaxweynaha waxa Aad Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Hindiya oo dhan waxana si weyn u Qaadaa Dhigay Socdaalkooga TV-yadda iyo Jaraa'idka dalka.

Top


Qaramada Midoobay Oo 300 Oo Meyd Ah Ka Heshay Koongo.

Kinshasa(W.Waraka.) wakiilka Qaramada midoobay ujooga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Kongo(Za’iir)ayaa shaaca ka qaaday maalintii jimcihii inay ka heleen maydka 300-350 qof degmo ku taala waqooyiga barri ee dalkaasi oo la yidhaa booniyaa kadib markii ay halkaa ka dhaceen dagaalo dhex maray beelaha halkaa ku wada nool,waxaanu intaa ku daray inay suurto gal tahay inay tirada daka dhintay intaa ka bataan.

Wkiilka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale halkaa ku arkeen guryo badan oo la gubay iyo boholo farabadan oo lagu guray maydkii dadka la laayey,laakiin waxa uu cadeeyey in xaaladu ay haatan tahay mid degan in kasta oo ay halkaa dagaalo laxaadlihi ka dhaceen.

Sida la sheegay dagaalo waxa deegaankaa in mudo ahba ka socday dagaalo dhex marayey qabaailka hiima iyo Walindoiyagoo ku loolamaya sidii ay deegaankaa gacanta ugu dhigi lahaayeen kadib markii ay ka baxeen ciidamada Yugaandha horaantii bishan May.

Top


Hogaamiyeyaashii Gooni-U-Goosadkii Koonfurta Yemen Oo Cafis Loo Fidiyay.

Sanca(W.wararka)sida ay sheegeen warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxay magaalada Sanca ee caasimada Yaman waxa la filayaa inay dhawaan halkaasi ku laabtaan hogaamiyayaashii kacdoonkii isku daygii gooni isu taagii Koonfurta Yaman sanadkii 1990-kii kadib markii ay cafis ka heleen madaxweynaha dalkaasi Cali Cabdala Saalax 22-kii bishan may oo la xusayey markii ay midoobeen labadii dal ee Waqooyiga iyo Koonfurta Yaman.

Sida la sheegay cafiskan waxa ka faaiidaysanaya 16 hogaamiye oo haatan dalkaasi dibada kaga maqan iyagoo firxad ahaan u baxsaday markii ay ku fashilmeen qorshahoodii ahaa inay koonfurta ka gooyaan waqooyiga ayna soo celiyaan dalkii Koonfurta Yaman sanadkii 1994-kii. Soonoqoshada hogaamiyayaashani waxa la sheegay inay ku beegantahay iydoo lagu wado in madaxweynaha dalkaasi Cali Cabdala saalax inuu maanta booqasho ku tago dalka Isutaga imaaraadka carabta iyadoo lafilayo inuu halkaa kula kula kulmo hogaamiyayaashii kadibna waxa suurto gal ah inay madaxweynaha u raacaan magaalada sanca.

Badanka hogaamiyayaashaasi waxa la sheegay inay u baxsadeen dibada gaar ahaana dalalka Sucuudiga,Imaaraadka iyo Saldanada cumaan kadib markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye 1994-kii.madaxweynihii hore ee dalkii Koonfurta yaman Cali Saalim Al-biid ayaa isagu magan-galyo ahaan u tagay dalka Cumaan kadib markii ay fashilantay gooni isu taagii ay ku dhawaaqeen iyadoo dil hore loogu xukumay 5 kamid ah hogaamiyayaashaa iyagoo dalka ka maqan kuwaasoo kala ah cali saalim Albiid, Xaydar Abuubakar Al-ca-cadaas oo ra’iisal wasaare ahaa, Haysam Qaasim daahir oo ahaa wasiirkii gaashaandhiga,Saalax Munasir oo ahaa Duqii Cadan iyo Saalax cubayd Axmad oo ahaa ra’iisalwasaare ku xigeen, talaabada haatan lagu cafiyeyna waxa loo arkaa mid hore u mar u ah degenaanshaha dalkaasi.

Top


Dhimashada Dhul-Gariirkii Aljeeriya Oo Gaadhay 1800 Oo Qof.

Algiers (w.wararka) sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka al-jeeriya dadka ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay dalkaasi ayey haatan tiradoodu gaadhaysaa 1800 oo qof taasoo si aad ah sare ugu kacday iyadoo markii hore gaadhaysay 500 oo qof ,waxaana sidaa xaqiijiyey war maalintii shalay ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha eedalkaasi iyadoo dadka ku dhaawacmayna ay tiradoodu marayso 7605,waxaana laga cabsi qabaa inay tiradu intaa kasii korodho maadaama wali la la’yahay boqolaal qof oo ku jira burburka guryaha dumay, waxaana suurto gal ah inay dhimashadu gaadho 2000 oo qof.

Waxaana wali socda gurmadka iyo baadidoonka loogu jiro dadka ay masiibadu haleeshay sidoo kale waxa dalkaa ku sii qulqulaya gurmadka loo fidinayo dadka ku wax yeeloobay masiibada ku habsatay dalkaasi.

Top


Gudaha Madaxtooyada Iyo Wasiirada Gadaanka Saaran.

Hargeysa (Haatuf): Iyadoo shinkeed go’ay dhismaha xukuumada cusub ee la filayo in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu dhaqso usoo saari doono dhismaha xukuumadiisa cusub oo aan ilaa hadda daaha laga qaadin kuna jirta gosha xafiiska madaxweynaha ayaa la sheegay in sadexdii maalmood ee u dambeeyay inuu albaabka xidhay isagoo ku laalaa xaga sare ee gurigiisa oo aan usoo degin xafiiskiisa, taasoo loo malaynayo inuu ku mashquulsan yahay soo saarida liiska dhismaha xukuumadiisa cusub.

Haddaba, liiska xukuumadda cusub oo aan shaaca laga qaadin ayay tibaaxa ku dhow-dhowi sheegayaan in maanta ama beri uu soo saari doono madaxweynuhu qaybta hore ee liiska xukuumadiisa cusub taasoo loo malaynayo inay ka kooban tahay labada xisbi ee UDUB iyo UCID iyo shaqsiyaad kale oo madax-banaan.

Xukuumadii hore ee madaxweyne Rayaale oo ka koobnayd 26 wasiir, 18 wasiir ku xigeen iyo sagaal wasiiru-dawle ayay haatan gaadhay waqtigii la kala diri lahaa iyadoo la filayo inuu soo dhiso madaxweynuhu tiro intaa ka yar oo lagu qiyaasayo ilaa 19 wasiir, 14 wasiir ku xigeen iyo 3 wasiiru-dawle.

Xukuumadda cusub ee madaxweyne Rayaale laga sugayo waxay warar xog-ogaal ahi sheegayaan in xubnaha xukuumada cusub ay safka hore kaga jiraan xubno door ah oo aad loo yaqaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin:

Faysal Cali Waraabe (Gudoomiyaha UCID).

Maxamed Xaashi Cilmi.

Yuusuf Maxamed Cali (Tuke).

C/Raxmaan Maxamed Ducaale.

Maxamed Cabdi Gaboose.

Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal).

Iyo xubno kale, inkastoo aan la cadayn xilalka ay ku magaacaban yihiin lana hubin sida ay magacaabistooda wax uga jiraan iyadoo aan la hayn wax xaqiiqo ah oo ku saabsan magacaabista wasiirada.

Top


Golaha Guurtida iyo Kulankii Albaabadu U Xidhnaayeen.

Hargeysa (Haatuf): Guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay wasiirka Arrimaha Gudaha , kulankaas oo shalay ka dhacay xarunta Golaha Guurtida ee magaalada Hargeysa wuxuu ahaa mid aan saaxafadu goob-joog ka ahayn, laakiin sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow-dhow oo aanu la xidhiidhnay xalay waxay sheegeen inuu ahaa mid xog-waraysi ah oo ay guddigu wasiirka kaga doonaysay inuu warbixin la xidhiidha xaaladda nabadgelyada ka siiyo.

Waxayna wararku intaa ku dareen in kulankaasi uu qaatay dhawr saacadood, isla markaana uu wasiirku sheegay inay jirto cabsi laga qabo xaaladda nabadgelyada isagoo xusay inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah xukuumadda Rayaale, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwa keenay cabsida maalmahan u dambeeyay. Wararku waxay intaa ku dareen inuu wasiirku sheegay inay dhaq-dhaqaaqyadaa qaarkood ka socdaan xarumaha miletariga iyo meelo kale, isla markaana ay taasi keentay cabsi farabadan iyo wer-wer dhinaca nabadgelyada ah oo soo food-saaray maamulka xukuumada Rayaale.

Sida ay wararka kulankaa ku dhow-dhowi sheegayaan wasiirku waxa uu guddigaa u sheegay inay qaybo ka tirsan dhaqdhaqaaqyadaasi gooni uga baxeen magaalada kuwaasoo taageero ka haysta qaybo ka mid ah ciidanka qaranka, isla markaana ay maalin walba cidi ku biirto oo aanay booliskuna waxba ka qaban karayn. Waxaanu wasiirku intaa ku daray in gobolada qaarkood ay ka jiraan gadood ciidan iyo amar-diidooyin.

Inkasta oo aanay cadayn ujeedada kulankani, waxay u muuqataa, ama loo fasiran karaa mid la doonayo in lagu meelmariyo xukun deg-deg ah oo lagusoo rogo dalka, iyadoo maalmahan u danbaysay ay xukuumadu xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ee kulmiye iyo weriyayaal ka tirsan saxaafada madaxa banaan.

Top


Heshiiskii Dhex Maray Maamul Goboleedka Puntland.

Boosaaso (Haatuf): Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland C/laahi Yuusuf Axmed iyo hogaamiyihii mucaaradka Jen. Cado Muuse ayaa soo af-jaray heshiiskoodii kadib markii ay isla meel-dhigeen sida loo qaybsanayo awooda maamulka, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in mucaaradka Cado Muuse la siiyo xukuumada qaybtiisa iyadoo loo qoondeeyay sadex wasiir, laba wasiir, laba agaasime guud, sadex agaasime waaxeed, laba Badhasaab iyo laba Maayor iyo in la qarameeyo ciidamada, isla markaana labada taliye ee ciidamada Booliska iyo Daraawiishta mid ahaan la siiyo Cado Muuse, halka Dekedda iyo Airport-kana mid ahaan la siiyo taliyeyaashooda. Waxa iyadana maalintii khamiistii ee todobaadkii ina dhaafay tuulada Karin oo 25km koonfur-bari ka xigta magaalada Boosaaso lagu qabtay xaflad loogu magac-daray “Xafladda Nabadda” xafladaas oo ay qabteen beesha Axmed Harti (Deshiishe), waxa kasoo qaybgalay Kornayl C/laahi Yuusuf, Jen. Cado Muuse, labada Hogaamiye-dhaqameed ee reer Somaliland ee khilaafkaa xaliyay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow), Suldaan Siciid C/salaan, Isimada Puntland iyo marti-sharaf kale oo ay ka mid yihiin wefti ka socday golaha SRRC.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Degmada Gebilay Yaanay Gabood U Noqon Mucaarad Kursi Doon Ah.

Marka u horeysa waxaanu bulshada degmada Gebiley la socodsiinaynaa haddii aanu nahay dhalinyarada iyo aqoonyahanka magaalada Tog-Wajaale in ay xusuusnaadaan in bulshada reer Somaliland oo dhami wadagaan qodobadan soo socda oo qof walba koox walba, degaan walba iyo gobol walba ay waajib ku tahay in uu dhiniciisa, ka ilaaliyo. Haddii koox dhinaceeda daayacdo dhibta dayacaasi keena wuu ina wada saamaynayaa. Qodobadaasi waa kuwa danta guud, sida qaranimada Somaliland, nabada, cadaaladda, distoorka, nidaamka iyo kala dambaynta, horumarka iwm.Haddii aynu tusaale u soo qaadano waxtarkiisa qodobadan danta guud ee xagga sare aanu kusoo xusnay sida nabada waxay dhashaa barwaaqo, barwaaqaduna waxay dhashaa horumar midba mida ka dambaysa sii sareeyo.Haddaba bulshada reer Somaliland waxaanu ugu bushaaraynaynaa in dadka reer Gebiley dhinacooda qodobadan danta guud ay si xoog leh u xifdiyaan.Marka labaad waxaanu kooxaha mucaaradka ah leenahay degmada Gebiley noqon mayso meel ay gabood ka dhigtaan mucaaradka dawladdu.

Mar saddexaad tixraac wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 2008 kuna taariikhaysan jimce 7 May, 2003, uu ku khudbadeeyey weedhaha uu ku khudbadeeyey Axmed Yuusuf Ducaale ee ahaa sidan: “Ninkii dhaxalka qaatee aayar uun la dhuuntaw ma dhulkaad la hoos mari, beritaa lagaa dhicin oo aad dhabadaada qaadiye”.

Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay madaxweyne markii horana distoorka ayaa madaxweyne kaa dhigay, imikana shanta sano ee soo socota dadweynaha reer Somaliland ayaa ku doortay, sidaasi daraadeed, weedhahani waxay cadaynayaan oo kaliya odhaahdii dadka reer Somaliland hore u yidhaahdeen ee ahayd “Kursi iyo qabiilba waa lagu sikhraamaa”.

Marka afraad waxaanu madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa la socodsiinaynaa haddii aanu nahay dhalinyarada magaalada Tog-Wajaale in aanu diyaar u nahay difaaca madaxda qaranka, qaranka Somaliland, la dagaalanka cadawga, horumarinta wadanka.Dadweyanaha reer Gabileyna waxaanu ku boorinaynaa in ay iska ilaaliyaan inay siyaasigii ku sikhraansiiyo qabyaaladda, in ay ogaadaan faa’iidadu ku jirto danta guud.

Farxaan Ismaaciil Cismaan, Xasan Cabdi Yoonis, Mawliid Cusmaan Qalinle, Cumar Axmed Cali, Tog-Wajaale, Somaliland.

Top


Golaha Deegaanka Boorama.

Ma Sidaan Mooday Mise Siday Noqdeen 15-kii December ayay ahayd markii loo dareeray codayntii doorashada golaha deegaanka, waxay ahayd talaabo horumar leh, dadweynaha reer Boorama-na waxay waxa maskaxdoodu siinaysay in doorashadan ay ka soo bixi doonaan maamul u dhaama maayaradii dawladda dhexe dusha kaga keeni jirtay oo ay aaminsanaayeen inay u adeegi jireen cidii soo magacawday oo aanay lahayn dheg ay ku maqlaan cabasahda dadweynaha.

Haddaba nasiib darrada dhacday waxay tahy golihii deegaanka ee dadweynuhu soo doortay marka laga reebo xubno tiro yar oo ganacsato ah oo alaaba yimaada marka goluhu fadhi leeyahay mooyaane intooda kale u maxaafsi tagaan xarunta dawladda hoose waxayna noqdeen dilaaliin dhismayaasha cusub, dhulka sifda sharci darada loo bixinayo, raadiyaa uuna meel ay wax kala soo baxaan, khalad iyo sax-ba, kuwaas oo daba taagan duqa degmada iyo cashuur qaadayaasha, waxayna u baahan yihiin in siminaaro loo furo, si ay hawshooda u gar-taan, waxa kale oo soo ifbaxayaa inaan dakhliga degmadu iska xajinayn.

C/Risaaq M. Ibraahim, Boorama.

Top


Dawlada Cusub Ee Rayaale Iyo Duruufaha Horyaal, Maxamed Cabdi Xasan (Diri-Dhaba) - Karachi, Pakistan.

Dawlada Cusub Ee Rayaale Iyo Duruufaha Horyaal, Maxamed Cabdi Xasan (Diri-Dhaba) - Krutchi, Pakistan.

Ka dib halgan dheer oo ay shacbiga reer Somaliland u hureen inay geyigoogda cagta dhulka ugu dhigaan nidaamka (jeffersonian democracy), ka dib muran badan iyo is jiid jiidad u dhexeeyey axsaabtii siyaasadeed ee dalka ka jiray, oo ku loolamaayey hogaanka sare ee qaranka ugu sareeya Somaliland, waxaa hadda la soo gaadhay sidii shacbiga reer Somaliland ee geesiyiinta ahi isku duubni ugu codeeyen in loogu abaal gudo oo loogu nasteexeyo dawlad tayo leh oo ka hanaqaada dhamaan geyiga Somaliland, waxaa xasuus mudan muddo hadda laga joogo seddex sanno ayaa madaxweynaheenii geeriyooday alla naxariistii Janno ha siiyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu ku dhawaaqay in dalka laga hir gelinaayo hanaanka axsaabta badan, wakhtigaasi oo aan anigu ku sugna magaalada Hargeysa ayaa dad badan oo aan ka mid ahaa waxay isweydiiyeen, tallow Muxuu ahaa hanaankan hogaanka qaranka ka soo burqamay waayo akhristow?

iska daa in lagu dabaqo Somaliland eh shacbiga reer Somaliland oo wakhtigaasi 10 jir ahaa muu arkaynin dalalka la jaarka ah oo xitaa nidaamkaa Madaxweyne Cigaal sheegay ku dhaqmaaya, waxaa kale oo dadku isweydiiyeen tallow goorma ayey riyadaasi rumoobi doonta? Rag badan oo aanu wada xamman jiray dawladdii madaxweyne cigaal ayaa markaan weydiiyey goorta ay suuro gal noqon karto nidaamka axsaabta badan oo ka hir gela Somaliland iigu jawaabeen "in Soddonka sanno ee soo socda uun suuro gal ka noqon karto dal yar oo african ah oo aan weliba aqoonsi haysanin" balse waxaa la yaableh, oo runtii wax lagu diirsado ah in maanta midhahii xorriyadda ee ay bulshada reer Somaliland keenen ay midho dhashay, waxaa tani ay ku dayasho u tahay dalalka jaarka aynu nahay sida D jibout iyo Ethiopia oo weli ku dhaqma hanaanka xisbiga keliya (Single party system) dawladahaasi oo shaqaynaayey ama jiray tobanaan sanno xorriyadda Somaliland ka hor!!, hadaba haddii ay shacbigii Shallay u dagaalamayay xoriyadoodu ay maanta dhalleen dimuqradiyad naxariis badan oo ka hirgesha dalkooga hooyo maxaa ku waajib ah in laga helo hogaanka sare ee qaranka Somaliland cidda aan la hadlaya waa Mudane Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Seddexaad, Mudane Riyaale hawsha ku sugaysa waxaa lagu sifayn karaa tii ugu cuslayd oo runtii u eg hilib qaydhiinkiina ka tegay bisaylna aan noqon (Yacyacood) miisaanka siyaasadeed ee garbaha aad saaratay waxaa haboon in sida ugu macquulsan aad uga dabaalato adiga oo kaashanaaya ilaahay subxanahu watacalaaye, iyo xayndaab siyaasadeed oo khibrad u leh hanaanka Dhaqaale oo bulshadeenu maanta ka aradantahay, siyaasadeed oo uu ugu horeeyo Ictiraaf u doonista jamhuuriyadda Somaliland (Recognition mission) iyo weliba Dhisidda dawlad Rayid ah oo tayo baaxadleh wadata, ayna ka dhex muuqdaan raga ugu macquulsan ee bulshada Reer Somaliland ku dhaadato, ogow Madaxweyne mar wal oo aad isku daydo inaad soo dhawaysato siyaasiyiinta bulshadu jeceshahay in aad adiguna ka bad baadi karto bedweyn siyaasadeed oo horleh, hadaba Madaxweyne waxaan jeclaystay inaan halkani sharaxaad kaga bixiyo hawlaha sugaya dawladaada iyo sida loo wajahi karo ee ugu fudud aniga oo mid mid usoo qaadanaaya seddexda qodob ee ugu muhiimsan:

1. Ictiraaf raadinta somaliland (somaliland recognition mission)
Dadyow farabadan ayaa waxa ay isweydiiyaan ama ay ku xidhan aqoonsiga Somaliland marka dalkii aynu xoriyadeena ku luminay ee SOMALIA loo helo xal siyaasadeed (political solutions) lana helo hogaan midaysan oo matali kara in markaa laga hadli karo aqoonsiga Somaliland, balse anigu waxaan Madaxweyne aaminsanahay qaddiyad taasi ka gedisan waxaan tusaale ku filan usoo qaadan kara dalka ugu yar maanta ee beesha caalamku aqoonsatay muddo hal sanno laga joogo (EASTIMOR), waxaa uu ka go,ay dalweynaha INDONESIA, dawladda Indonesia marnaba ma ogola in ay jasiiradaha ama dhulka beriga iyo koonfurta ee waddankaasi xorriyad ka qaatan Maamulkooda, Dawladahii kala danbeeyey ee soo maray waddanka Indonesia sida maamulkii Madaxweyne Suharto, kii ka danbeeyey ee madaweyne Cabdirxmaan, iyo weliba ka haadan xukuma ee Megawate Sagarna Bute, Dadka reer Eastimor marka dhaqaale ahaan la eego waa dad aad iyo aad u liita, oo aanan ku qiyaasi karin ama la bar bar dhigi karin bulshada reer Somaliland, waa dad muddo aad u dheer laajiyiin ahaa oo cadaadiska dawladda Indonesia ku hoos dhaqana, markaa waxay beesha caalamka hor dhigeen fiiro gaar ah (especial vission) fiiradaasi oo ah sida shacabka reer Eastimor oo ah shucuub diinta masiixiyadda aaminsan sida ay uga go,antahay gooni isu taagga qaranimada dalkooga hooyo waxaana ay qaramada midoobay go,aansatay inay ka hirgeliso afti (International Refrendum) aftidaasi oo ah mid ay maamulaysay jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa (United Nations), hadaba Mudane Madaxweyne inaga oo ka faa,iidaysanayna khibradahaasi iyo talaabooyinkaas Eastimor waxaan usoo jeedinlahaa Maamulkaaga cusub iyo adigaba inaad samaysaan BAAQ DHEER oo aad u dirtaan shanta dal ee rigliga ku ah qaramada midoobay Maraykanka, France, Britain, China, iyo Russia, kuwaasi oo ku haboon in loo diro wufuud ka socda dalkeena Somaliland, qodobka labaad ee in lagu dhaqaaqo habooni waxay tahay in la sameeyo haayad ka madaxbanaan wasaaradda Arrimaha dibadda oo hirgelisa sidii looga dhaadhicin lahaa looguna sharaxi lahaa beesha caalamka qaddiyadeena iyo mabda,a shacabkeena haayadaasi oo loo xilsaari doono khabiir ama masuul aad ugu furfuran beesha galbeedka ama qaramada midoobay, qodobka seddexaad ee ugu muhiimsan ee aan jecelahay inaan kugu dhiirigeliyo madaxweyne waxay tahay in la sameeyo xidhiidh u dhexeeya dawladaada iyo mustacmaradii aynu xorriyadda ka qaadanay ee Britain oo ah saldhiga aynu ka duuli karo, halkaasi oo ay ku noolyahiin jaaliyadda ugu badan ee Somaliland. qodobka afraad ee aan jecelahay in aad xoojiso oo hadda aad raadkeedii hayso waxay weeyan in aynu samayno heshiis dhaw oo ina dhex mara qaaradda aynu ka tirsanahay ee Afrikada Madow, kuwaasi oo ah halka aynu ka duuli karo.

2. Dhaqaalaha dalka somaliland (economica development).

Tan iyo laga soo bilaabo 1991 wakhtigaasi oo dalkeenu uu hellay xorriyad taam ah oo ka hirgeshay dhamaan geyiga Somaliland, dedaalka qudha ee dawladdu ku dhaqaaqday si ay kor ugu qaado sumacadda dhaqaale ee dalku waxa uu ahaa markii dalka loo sameeyey lacag u gaar ah oo ah shilinka Somaliland, balse dawladahii kala danbeeyey ee ka shaqeeyey dalku waxay gees mareen in ay wax ka qabtaan dhaqaalaha dalka oo maraya xaalad aad iyo aad u adag, waxaa ugu muhiimsan oo dalkeenu dhaqaale ahaan ku tiirsanyahiin waa XOOLAHA NOOL (LIFE STOCKS), kuwaasi oo muddo seddex sanadood ah hadda ay dawladda Saudi Arabia ay saartay cunaqabatayn, taasi oo saamayn weyn ku yeelatay dhamaan bulshadeena oo u badan xoolo dhaqato, iyo xoolo ku nool, hadaba iyada oo qodobkaa laga duulayo waxaa haboon in la sameeyo dhaq dhaqaaq aad u xoogan oo lagu furaayo xoolaheeni si ay ugu soo noqon lahaayeen sayladaha Boqortooyada Saudi Arabia, iyada oo midda laga duulayana waxaa haboon in aad Mudane madaxweyne Saarto xoogga in aad wasaaradda Dhaqaalaha u xilsaarto masuul khabiir u ah bulshadeena dhexdeeda, waxaa kale oo haboon in la sameeyo hanaan ama qawaaniin lagu xakamaynaayo tirada xoolaha nool ee dalka ka baxda iyo weliba nidaam lagu fulinaayo ganacsatada ka ganacsata xoolaha nool, kuwaasi oo loo samaynaayo licence ama sharci tayo leh oo dawladdu ku ogaan karto sida ay uga baayacmushtareeyan. qodobka kale ee loo baahanyahay waa sidii loogu heli lahaa xanaanin iyo badbaadin xoolaheena nool oo ah isha qudhaata ee shacbigeenu hayaan (Single economical source). taasi oo lagu tayaynaayo wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

A. DHAQDHAQAAQA LACAGTA (FISCAL POLICY).

Dawladdu waa in ay awood u hesho inay xakamayn karto dhaqdhaqaaqa lacagaha qalaad iyo sarrifka suuqa xorta ah, waa in ay awood u hesho bedelida iyo dhiiri gelinta ganacsiga xorta ah, waa in ay cadaadis ku saarto ganacsatada si ay lacagaha u dhigan lahaayeen bangiga dhexe ee Somaliland.

B. Sarrif bararka iyo xaamiga suuqa (inflation and market circulation)
Dawladdu waa in ay dhisto qawaaniin cusub oo lagu xakamaynaayo sarrif bararka sharci darrada ah iyo awoodda ay isa siiyaan tujaarta waaweyn ee Somaliland kuwaasi oo markay doonana suuqa geliya lacag adag markay doonana ka saara, waa in ay dawladdu dhiir geliso awoodna u hesho inay mamusho xakamaysana isku bedelka iyo ka warhaynta lacagaha qalaad iyo shilinka Somaliland, waa in dawladdu soo celiso qiimaha uu shilinka somaliland ku leeyahay dalka oo dhan iyada oo taasi ka duulaysana waa in dalka oo dhan beri ilaa galbeed dalka la gaadhsiiyo shilinka Somaliland xarumaha Bangiyaduna ay awood u helaan in ay la dagaalamaan lacagaha kale ee suuqa ka shaqaynaaya.

3. DHISIDDA AGABYADA BULSHADA (SOCIAL SERVICES).
Laga soo bilaabo Maamulkii Madaxweynaheenii hore ee Somaliland Ilaahay naxariistii janno ha siiye, waxaa dayaacad badan ay dawladdu ka muujisay inay hirgeliso dhamaan agabyada bulsho ee dalka ugu muhiimsan kuwaasi oo samayn lahaa in dhaqaalaha dalku kor u kaco, dalkuna aad iyo aad ugu baahanyahay, kuwaasi oo ay dawladdu awood u leedahay inay wax ka qabato, goobaha ugu muhiimsan ee ay dawladdu dayacdayna waxaa ka mid ah:

1. Wershaddii Sibidhka ee Berbera.

2. Wershadii caanaha iyo wershadii Pepsi ga ee Hargeisa.

3. Dhamaan wershadahii Laydhka ee Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco.

4. Samaynta Haayad gaar ah oo hawsheedu noqoto dib u dhiska waddooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinkaba.

4. Mashruucii Beeraha ee Wajaale.

Iyo kuwo kale oo tiro badan. waxaa laga sugaya dawladda Somaliland ee aad Madaxweyne dhisayso inay awood u yeelato dhamaan dhisidda iyo kor u qaadida goobaha bulsho kuwaasi oo saamayn ku yeelan doona dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dadkeena.

4.Hawlaha caafimaadka iyo waxbarashada (education and health)
Qodobka aan sida gaarka ah u xiisaynaayo aanan jecelahay Mudane madaxweyne inaan kugu dhiiri geliyo inay isbedel balaadhan ku samayso dawladaadu waxa weeyan Hawlahii Caafimaadka ee dalkeena oo gaabsi balaadhan gellay, waxaa tusaale ugu filan barnaamij dhawaan ay soo duubtay haayad waddani ah oo reer Somaliland kaasi oo laga daawaday haayadda Idaacadda B.B.C da ee loo yaqaana (B.B.C 4), taasi oo runtii argagax weyn ku ridday dhamaan dadkii daawanaayey hospitalkii qaranka ee Hargeysa oo aad moodo meel waraabahu bohol ka samaystay, Mudane Riyaale waxaa ayaan darro ah iyada oo Hospital ka magaalada Hargeysa uu u jiro in ka yar boqol talaabo Madaxtooyada aad ku nooshahay ay xaaladda hospital ku sidaasi ku sugnaato, waxaa haboon in lagu sameeyo bedelaad weyn dhamaan hawladeenada hospitalka iyo weliba wasaaradda caafimaadka iyada oo laga duulayo baahida dadweynaha oo ah hawsha ugu muhiimsan, waa wax laga yax yaxo in dawladu dayacday hospital kii caasimadda, marka uu hosptalkii caasimaddu sidaasi yahay maxaa laga filan karaa kuwii gobolada. waxaan Mudane kugu dhiiri gelinaya in aad si weyn wax uga qabato arrimaha caafimaadka oo runtii aniga la iiga fara dhuudhubanyahay.

4. HAWLAHA WAXBARASHADA SOMALILAND (educational services).

Waxaa mahad balaadhan aan usoo jeedinayaa dhamaan bahda waxbarashada iyo macalimiinta ee Somaliland meel wal oo ay joogaan oo runtii mudan sharaf iyo cisi baal dahabana kaga jira bulshada reer Somaliland, sannadkii 1991 markii dalka dib loogu soo laabtay laba bilood ka dib shirkii burco ee dib ula soo noqoshada Somaliland ayaa waxaa dalka ka hir gelay dhamaan dugsiyadii hoose iyo kuwii dhexe (Primary and intermediate schools), kuwaasi oo macalimiintu ay ku wadeen hawlo mutadawacnimo ah, kuwaasi oo aanay cidina uga doonayn sharaf gaar ah, waxaa nasiib darro ah in Mudane Madaxweyne aanad ogayn goorta ama wakhtiga ay ardayda reer Somaliland hadda imtixanaadka u fadhiistaan iyo xilli fasaxeedka, taasi oo muujinaysa sida ay dawladdu u dayacday dhamaan waxbarashada dalka oo dhan, waxaa tusaale buuxda ugu filan, oo aan yax yaxa markaan arko dugsiyada sare ee Lix iyo labaatanka June oo aan sidaasi uga fogayn Madaxtooyada iyo Dugsiga Sare ee Faarax Oomar oo ugaba sii dhaw isagu madaxtooyada fee ga ay maamulka labada iskuul ka qaadan ardaydu isku mid maaha waxaana u dhexeeya faraq weyn taasina waa mid ay dhaliisheeda leedahay dawladda oo awood u heli wayday inay macalimiinta u kasbato Mushahar buuxa oo loo sameeyo dhamaan macalimiinta.

A. JAAMACADDA HARGEYSA.

Jaamacadda Hargeysa oo xaaladeedu ay tahay mid gabaabsi ah ama laga dayrinaayo waxaa haboon in loo sameeyo haayad gaar ah oo maamusha farahana ay ka qaadan ama laga madaxbanaaneeyo wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo masuuliyiinteedu cagajuglayn u gaysanayaan mutadawiciintii uga soo haajiray boqolaal milyan oo mayl inay dadkooga iyo dalkooga u faa,iidayaan, waxaan si naxariisleh uga codsanaya axsaabta siyaasadeed inay u ololeeyan sidii dhaqaale loogu heli lahaa jaamacadda Hargeysa, waxaanan ka codsanaya ganacsatada caruurtooda gaynaysa jaamacadaha dibadda inay u huraan jaamacadaha dalkooga maal gelin balaadhan.

Mudane Madaxweyne qodobadaasi aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo tiro badani waa kuwo laga dhursugaayo dawladda aad sugayso ee aad ugu magaca dartay mid tayo leh (quality government), taasi oo runtii noqon doonta mid awood u yeelan karta inay isbedel xoogleh ku sameeyan qodobadaasi aan kor ku soo sheegay, haddi uu mudane Riyaale Maamulkaagu ku guulaysto wax ka qabadka arrimahasi aan soo sheegayna waxaa hubaal ah in hawlahaaga siyaasadeed ay midho dhal noqon karaan.

Waxaan ilaahay ka beryaya inuu hawsha balaadhan ee aad qaranka u hayso kuu fududeeyo kaana dhigo hogaankii lagu nasto ee lagu farxo.

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba).

Karachi, Pakistan.

Top


UDUB Iyo KULMIYE-ba Waan Saluugsanahay.

Akhriste ineynu u heegan galno dalkeena oo aynu hororiyo waraababa yur ka nidhaahno waa mid inagu waajib ah had iyo goor hadh iyo habeen waa maandeeq oo kumanyaal dhalin aan midi ka curan loo sadqeeyey, umullo loo dooxay, madi loo diley, hooyo ku goblentey, odey ku indho beeley kolkuu ubaxii uu dugsanayey goor aan habeen aheyn maalina aheyn lagu qadeeyey.

Soo dhaaf weynu dhacsaney ma dhacsade nin ii qabey ma dhul dhace ma ii qirey, kubad ka fog, kaftan ka dheer, maxafsi kursina xaasha!!!!!!!!!, ma ihi sarkaal, siyaasi, munaafaqa, biidhiqaate, afmiishaar, xisbi la jiree (anoo xaq u leh midna kumaan biirin).

UDUB waan saluugsanahey oo waxaan ku saluugsanahey ragii federalka fikirkoodu ahaa oo aan midi ka beydhin ayaa si heer qaran ah loogu casuumey xisbiga si dadban iyo si toos ahba ilaa hadana qolada LONDON nala joogta ee af duubtey xisbiga mey sheegin meel ay mabda’ii kaga hadheen(ruuxa biniaadamka ahi wax wuu ismoodsiin karaa hadana wuu ka noqon karaa).

Mudane C/raxmaan Axmed Calina isna meel uu kaga noqdey mabda’iisii maheyno, waxaanu ognahey hadaanu reer London nahey in ilaa heer wasiir Somaliland ah uu kulan halkan ku wada yeesheen ka hor intii aanu c/raxmaan u ambabixin Somaliland, anigu waxaan aaminsanahey in umada Somaliland ay xaq ugu leedahey hogaanka UDUB iyo SOMALILAND-ba iney cadeeeyaan mawqifkaas (Sakaaro xaar muuqmuuqda ayey aas-aastaa).

Xusuus, waxaan ahey nin ka xor ah qabiil iyo xisbi toona waa muwaadin fikirkiisa cabiraya soona dhaweeynaya cidii ka duwan ama ku taageersan labadaba, Waxaan kaloon ku saluug sanahey urursiga qeyrul mas’uulka welibana si dhafoor taabasho leh loogu dhiibayo xilalkii ugu mudnaa, iyadoo maxafsi iyo cagajugleyn astaantii FAQASH ahi ay habeen iyo maalinba soo siyaadeyso, sideebey u dhacdaa bandoo laga rogo HOOYO FOOLANEYSA gaadhiga, ISMA DOORIN GAALKII AAN DIREY IYO DAARTA KAN GALEYE, hadii si degdeg ah wax looga qaban waayo waxaa la isugu iman doonaa goobahaad ku raaxeysataan ee darbiga jilicda sani ku meersan yahey, DALKA WAAN AQAANAA, BAHAL IGA DA’ WEYNOO, DAD CUNNI MA JOOGE’E, HA IGU TUMIN DURBAANADA IYO DAASADAHA MADHAN.

KULMIYE waan saluugsanhey oo waxaaan ku saluugsanahey maanta ugu horeysa cadaalad daro ku dhacda iyaga, weliban ay tahey wax umad ka dhaxeeya ee ayna aheyn dhaxal soo jireen ah, iyagoo og kana war haya in 12-kii sanno ee la soo dhaafeyba umada ay cadaalad darada iyo dulmiga, dhaca hantidooda dhaxal ma guurtada aheyd lagu hayey iyagoo og weelka ay cuntada ku guranayeen inuu wada daldaloolo iyagoo og in maxkamdu ay tahey meesha lagaaga tilmaamayo ninka sida fiican ugu dhaarta xoolaha xaqdarada ah ee aanad laheyn ay ku badheedheen iney ku qori tuurtaan hadana afka la buuraan ama ay shaki geliyaan wixii dulmigaas loogu adkeystey mudada dheer, ku darsoo rag badan oo hor boodaya kulmiyana ay ka mid ahaayeen dhibaatada (part and parcel of the proplem), waa la arkayaa waxa dhacey waana laga wada dheregsan yahey ee ma kursigiina ayaanu u hawl galnaa hadaanu bulshadii nahey mise idinkaa nala hawl gelli si aanu u helno cid na matasha oo noo fadhiisata GOLAHA SHACBIGA IYO KA GUURTIDABA waxaanu arkeynaa inaad tiina uun ku xiiqsan tihiin cidi kama hadleyso umadan dhibaatadu daashatey.

Waxaan xasuustaa gabey uu tiriyey nin mujaahid ahaa oo dhaawac ahaa oo diridhabe kula kulmey iyadoo lagu uleynayo naafadii deganeyd xeradii snm-ta 1989 wuxuu yidhi intaan ka xasuusto:

Mujaahid hagaagsan; dalka u halgamaayey; rasaastu hilbeysey; halbowlaha jiifto; indhaha mid hadoobtey; hagaag maqalkiisa; midey ham ka siiisey; hanaanka dareenka; midey ka haleeysey; halyey gacma beeley; gidaarkaa u hoyda; hoos loo dayi waayey; kolkuu hatigaada; hareera ka dhaafka; ku hawl bixi waayey; afkuun ka hadlaaya; adoon budh xun haysta(xabashi); intuu hidh yidhaahdo; higtaa kaga saarey; ilmada ka hiqleysey; hugiisana qoysey; hamuunta iyo ciilka; hogaanka xafiiskan; intii la halmaasha; mid hoos gabgableeya; xumaan u horseeda; halganka iyo jihaadka; intaanad hilmaamin; mid haanka ku jiidin; ka haajir agtooda; ayaa ka hagaagsan; hogooda nijaaskan; hortooda u daaya (caydiid faroole).

Waxaan uga socdaa akhristoow weynu soo halganey maantana ineynu halgano ayaa la inaga sugayaa, xaalku maaha nin ku ordaaya kursi oo doonayo inuu u cunno sida kuwa fadhiyaa ay u cunayaan iyo mid ka difaacanaya oo isna guri iyo bussines ay qabyo ka yihiin ineynu ugu kala hiilino, kanaa wax ina taraya waa riyo ayey ila tahey ma arag mana maqal meel ay khaasatan labadaas xisbi kaga hadlayaan baahida umada heysta ee ragaadisey dhinacyada waxbarshada iyo caafimaadka, biyaha.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa waxaan loo dhibtoon lama hello sideynu ugu dhibtooney xoreyntii ayey tahey ineynu ogolaano ineynu ugu dhibtoono qotominteeda xag cadaaladeed, horumarineed, waxbarsho, caafimaad, gargaarka kuwa jilicda san, ictiraaf( uma arko inuu daruuri yahey waayo? Intii ka horeysey ee aynu gacanta ku heysaneyba meynu hagaajin wellibana ICTIRAAFKU haduu yimaado waxaan deyn aheyn ma soo kordhineyso oo welliba ku dhacda jeeb shaqsi ninka manta ka xishoon waayey xoolo umadeed ee gurri iyo ganacsi ka hirgeliyey ama zoo ka sameystey maaha 1,2,3,4,5 waa 98% nimankii xukunka soo marey ilaa kuwa hada haya kuwa ku soo socdaana waa iyagii oo shaadh kale soo xidhey intooda badani ninkii ka filaaya inuu berri ka xishoodow gudcurbaad gudeysaa ee tooss).

ISMAIL M GADIID, Gadiidsomland@hotmail.com, LONDON.

Top


UDUB Gar iyo Gar-Daraba ma Iyadaa Guusha.

Anaga oo ah muwaadiniin reer Somaliland ah waxa aan halkan kaga hadlaynaa go’aankii aan sugaynay ee maxkamadda sare soo saartay, oo ahaa mid ka tiro badan kii komishanku ku soo saaray oo ahaa tiro yar oo (80) cod ah, laakiin uu xaakim Siciid soo saaray tiro ka duwan tii hore, taas oo ah (222) in uu kaga horeeyo xisbiga UDUB, sidaana ay guushu ku raacday, laakiin anagu waxaanu qabnaa fikrad ahaan in tirada maxkamadda sare soo saartay ay nagu noqotay laf-hunguriga, mari wayday, imikase maadama uu yahay go’aan aan ka noqosho lahayn waxaanu kula talinaynaa madaxweyne Daahir Riyaale iyo ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin in xilka xilka loo dhaariyey ay si cadaalad ah ugu hayaan shanta sanadood ee soo socda, haddii alle yidhaa, umadda Somaliland, ee doortay, mida kale waxa naga tala ah inaad isku shaandhayn weyn aad ku samaysid wasiiradda haatan xilka haya, iyada oo meela badan ay ka jiraan musuqmaasuq kaas oo ah ka ragaadiyey wadankeena, haddaba sida aanu wada ognahay madaxweyneheenii qaaliga ahaa Alla ha u naxariistee, uu sameeyey guddi la yidhaahdo guddiga la dagaaalanka musuq maasuqa, haddaba waxaan ka codsanaynaa inaad samayso guddi musuq maasuq oo labaad, madaxweyne waxaan kuu soo jeedinaynaa arrinta Sool ka taagan inaad wax ka qabatid taasi oo ah mid aad adiguba ogtahay xaaladeeda, intaasi waa naga talo.

Rigaax C/Laahi Ismaaciil.

Mubaarik Xasan Ismaaciil.

Sulaymaan C/Laahi Ismaaciil.

Hargeysa.

Top


Nin Xil Qaaday Eed Qaad.

To: Madaxweynaha wadanka Mudane Dahir Riyale.

ku-xigeenkiisa Ahmed yaasin.

From: Arday Qurba Jooga Pakistan.

Ujeedo:- Tallo iyo Hogga tusaleen.

Mudane Madaxweyne marka hore waxa aanu kugu hanabalyaynayana xilka aad ku Guulaysatay, se somalidu waxay tidha "Nin Xil Qaaday Eeda Qaad", Markaas mudane Rayaale iyo ku xigeeniisuba waxa aanu lee nahay waxa idin sugaya hawlo faro badan guddo iyo dibadba.
Mudanayaal iyo Xisibga Guuleestay ee UDUB waxa aanu u soo jeediynaa markaanu aragaya xalka wadanka Talloyinkan soo socda in ay dawlada dhalan doonta raacado.

1. Waa in mudane Dahir Riyaale aad Dawlada aad keenaysa ay noqtaa mid tayo leh Tiro ahaan iyo Tayo ahaanba.

2. Waa in aad maamulka imika jira aad ka adkaysa sida uu yahay hada.

3. Waa in aad mudane aad ka yaraysa tiro wasiirada hada jira.

4. Waa in aad mudane aad xooga sarta In aad wadanka Xududuhiisa aad suggto.

5. Mudane Dahir waa in aad wasiirku noqon mid afmiisharnimo ku yimadee waa in uu cilmi ku yimada.

6. Mudane waa in wasiirka kharajiga ka dhigta Nin caalamka laga yaqan Ma Dublamasiyada yaqaan.

7. Waa in mudane aad wasarada arimaha dabadu ay soo af jarta meelah ilaa hada ay ka jiran mida kala saarkii sideetimaadki, ( waa wada mada ay ka shaqeeya safaradihii faqashtu isda wadanka pakistan oo aradayda reer somaliland ku dulman tahay).

8. Waa in mudan Dahir aad xooga sarta Ilaha dhaqalha oo aad wadanka ka hir galisa wax sosar lana yareeya alabata dibada ka soo gasha.

9. waa in aad mudane Wasarada Ganacsigu wadanka ka hir galisa fulinta mashariicda lagu hir galinayo in dadka lagu dhiiri galiyo Ganacstada.

10. Waa in Mudane aad Dawlada ay Banka dhex u ogolaata in ay cashuuruhu ku soo xaroodan iyo hayada loogu talo galay.

11. Mudane Riyale waa in aad Labada Golleh doorashadooda lagu qabta Hal sano gudaheed, lana soo doorto sidii ay u kala heleen doorashada seddexda xisbi.

Mudanyaal iyo marwooyin reer UDUB waxa idin hor yaal ugu yara 11 qodob ee aan kor ku soo xusnaya, waxa aanu idin leenaya waa in aad sida ugu dhakhsaha badan u hir gashaan oo aad wax la taaban karo aad keentan.
waa mid kaliya ee aad ku kasban kartaan in aad Ictiraaf helo wadnkeenu iyo in la idinku doorto trem ka kale ee soo socda.

waxa aanu leenahay Xisbiyada mucaradka ah waa in aad idna aad dhawrtaan hana socodka dimuquradiyada, ogada haddi ay baratamaan laba Nin maha in ay wada badiyaan ee mdi ayuunba badasha markaas sheekada iyo khilaaf ka daya waa ubax baxay somalialand haddi la tabatana waa shaashoobaya markaas Mudane Siilaanyo waa in aad adigu aad noqtaa sidii hore lagaaga bartay, maaha maanta sheekadu waa kursi doon ee waa danta dadka faraha leh ee sida dumuquradiyadu leh ku codeeyaya ayaa wax u qabanaya?

Kulmiye waa in aad Ictiraaftan dawlada iman doonta hadaad in uun ka naxaysaan maatida reer somaliland ee bislaatay, waar hadad maanta idnku Ictiraafi waydan yaa Ictiraafaya Somaliland.

Gabgabadi waa in la tashada, midaasa haboon in la sameeyo.

Mr. Foosi hussien Rooble.

Mr. Kamaal Diin.

Mr. Mohmed Cimaan.

Mr. Mohmed Ciise Boodhelh.

Mr. C/rashiid Mohmed Farah.

Mr. Mohmed C/laahi.

Top


Aabaha Nabadu Waa SNM iyo Dadweynaha.

Somaliland waxay ku faantaa nabadgelyada taasoo noqotay wax lagu faano Ka dib markii Soomaalidii koonfureed iyo Ururadoodii sameeyeen waxaan bini,aadam diin iyo damiir lihi ku kicin.

Hadaba waxaa haboon in aan isweydiino dhowr sua'alood:

YAA SUURTAGELIYEY NABADGELYADA SOMALILAND?

Ma Dadweynahaa keenay?

Ma Ururkii SNM? Odayaasha iyo Guurtida? Xukuumad?

Sidee Loo Ilaalin Ama Loo Adkayn Karaa Nabadgelyada Iyo Horumarka Ay Wadato? Yaa Khatar Ku Ah Nabadgelyada?

Waxaan qabaa in aabbaha nabadu ahaa dadweynaha oo u hagarbaxay iyo Ururkii SNM oo is hortaagay inuu bilaabmo dagaal qabiil islamarkaana taladii iyo hubkii dadka ku wareejiyey taasoo keentay in nabadgelyadu si fudud u hirgasho, maxaa dhici lahaa haddii SNM yeesho sidii USC oo ay xukunka jeclaystaan kuna dagaalamaan ama dadweynuhu u hagarbixiwaayo? Xagayse Guurtida libta nabadgelyada isa siisaa wax ka tari lahayd ama ka qaban lahayd. Jawaabtu waa waxba kama duwanaadeen Guurtida Soomaalida koonfureed.

Nabadgelyada waxaa lagu ilaaliyaa ama lagu adkeeyaa Cadaalad dadka oo dhan wadagaadha (cadaaladu waa shayga keliya ee sugi kara amaanka bulsho iyo horumarkeeda ), ciidan iyo xoogkasta oo la isticmaalaa waxba ma hagaajin karo iyadoo tusaalaha inoogu filan yahay ciidankii Soomaaliyeed sidii ugu guulaysan waayey inuu cabudhiyo kacdoonkii dadka. Ciidamo farabadan, baadhitaan iyo dad la xidh xidho sida naga soo gaadhaysa Hargeysa ayaamahan dambe waxaan dhibaato iyo xumaan ahayn ma kordhinayso. Waxay ahayd in Mudane Daahir Riyaale waayo aragnimo ka helo wixii ku dhacay xukuumadii keligii taliska ee uu ka tirsanaa iyo ciidamadeedii faraha badnaa.

Waxaa muuqata in Somaliland kasoo samaysmayaan labo kooxood oo siyaasadeed:

Koox U Badan Snm Ama Halgamayaashii.

Koox U taliskii hore ( Talada Haysa ).

Waxaan qabaa in kooxda talada haysa khatar ku tahay Nabadgelyada, Horumarka iyo jiritaanka Somaliland waayo waxay soo barteen habkeliya oo ah kii keenay burburkii Soomaaliweyn halkaasna kala geeyey. Waa habkii ku salaysnaa sidaad kursigaaga u ilaashataa ee aan ku fadhiyin danta dadka iyo runta.

Tusaale sanad ka hor waxaa laga hadlayey sidii maamul xoogan loo dhisi lahaa goboladda bari khilaafaadka jirana loo dhamayn lahaa waxaan ognahay in indhaweyd xuduudku ahaa togdheer oo aan Buuhoodle ku jirin, 18 May markii Burco u dabaal degi weyday maalintii Gooni-isutaaga waxaa inoo cadaatay in xuduudkii Burco soo dhaafayo, maantana Hargeysa ayaa wadooyinkeeda la baadhayaa, habkaasi waa habkii aabihii Faqashtu Siyaad Barre Dalka kaga baxay sidii maalinba gobol u waayayey aakhirkiina Xamar wadooyinkeeda ayuu difaac ka xidhay.

Waxaan kooxda talada haysa ee Daahir Riyaale Hormuudka u yahay u sheegayaa in wixii aan aabeheen Siyaad Barre ka dhaxalay aanay soconay sida Hargeysa oo xabadu ka dhacayso laguna kala qaxay aan warka ku diri jiray waxaa ka socda Ciyaarihii gobolada, aan ku xukumee hayla hadlin, aan qaatee hay eegin.

Waa inaad cadaysaan in aad Sool iyo Sanaag ku guuldaraysateen dib dambena aydaan waxba uga qaban Karin, idinkoo dagaalka abuura oo indhaha dadka iskaga sii jeediya Somaliland nabadgelyadeediina u dhameeya maahee.

Waa inaad cadaysaan isbedelka ku yimid Siyaasadii Arimaha Dibada.
Waa inaad sharaxdaan saamaynta uu inagu yeelanayo shirka Soomaalida ee Kenya ka socda iyo waxaad kaga gaashaamateen.

Ugu dambeyn Madaxweyne Riyaale waa inaad qirataa in aad ku guuldaraysatay labadaadii balanqaad ee maalintii Cigaal geeriyooday ee xilka lagugu wareejinayey aad balanqaaday kuwaas oo ahaa, Maamulka Gobolada Bari iyo Cadaalada.

Marka Faqash la soo hadal qaado waxaa dhegaha taaga oo soo booda Beelaha Sool iyo Awdal oo anigu ka soo jeedo laakiin Beesha Isaaqa ayaa ugu Faqash badan iyagoo qayb libaax ka ahaa waxkasta oo lagu joojinayey kacdoonkii, waxay ahaayeen nooca ugu cadowsan, Soomaali kama maarmi karaan, marka Faqash la soo hadal qaadana waxay u fasilaan in Beelaha geesaha loola jeedo si ay ugu dhuuntaan, Faqashtii Isaaq waxay dhexgaleen dadka waxayna sheegteen halgamayaal aanay geedna ugu soo gaban.

Osman Qawdhan Warsame, Norway.

Top