HABITAT Iyo Midowga Yurub Oo Taageero Siinaya Nidaamka Haboon Ee Is-Maamulka
Dawladaha Hoose.
Jaaliyadda Somaliland Ee Magaalada Seattle - USA Iyo Xuskii
18-Kii May.
Boorama: Muranka Dhulka Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka,
Weriye Maxamed Xasan.
Xisbiga KULMIYE Oo Markii U Horaysay Shaaca Ka Qaaday
Mawqifkiisa
Rasmiga Ah Ee Go’aankii Natiijada Doorashada: “Waa In La Isugu Yimaado
Wada-Tashi... Waana Inaan Lagu Dhaqaaqin Talaabooyin Wada-Xaajoodka
Waxyeelaya.”
Khasaaraha Dhul-Gariirkii Aljeeriya Oo Sii Kordhaya.
Dawlada Israel Oo Markii Ugu Horaysay Oggolaatay Qaran
Madax-Banaan Oo Falastiin.
FAAQIDAADA ADDUUNKA, Siciid Guraase.
Hambalyo Aroos.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Amni Iyo Iimaan Waa Ducadii Rasuulka
Scw.
Xagee Buu Ku Dambeeyey Sportigii Gobolka Awdal?
Wasiirka Siyaasadi Ma Waxay Ka Gashay Daarad Dhagax ka
Tuurid.
Awdal.
Kumuu Ahaa Mujaahid Ibrahim Jamac Dhiif (Haliqin)?
Madaxweyne Somaliland cidaan wax ku soo darsani ma...
Cudur Daar.
UDUB Iyo KULMIYE-ba Waan Saluugsanahay.
Aabaha Nabadu Waa SNM iyo Dadweynaha.
Beenin: Wasiirka arimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddiga
joogtada ah ee guurtida oo si kulul u beeniyey war Haatuf ku soo baxay.
JILBO-DHIIG: Waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa
tifaftiray A. Ducaale.
|
|
HABITAT Iyo
Midowga Yurub Oo Taageero Siinaya Nidaamka Haboon Ee Is-Maamulka
Dawladaha Hoose. |
Nairobi (War-Saxaafadeed) Ururka
Midawga Yurub iyo Hay’adda Habitat ee qaramada midoobay ayaa kala
saxeexday heshiis, qiimihiisu dhan yahay hal Milyan iyo Shan Boqol oo ku
oo Yuuro, kaas oo ku saabsan mashruuc lagu taageerayo hanaanka is-xukunka
fiican ee dawladda hoose ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Mashruucan hagaajinta maamulada dawladda hoose ka sokow waxa looga dan
leeyahay in lagu xoojiyo hawlaha nabadda ee geyigaas. Sida lagu sheegay
warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi bishan
horaanteedii mashruucani wuxuu daba socdaa iskaashi hore u dhexmaray
dawladda hoose ee Berbera iyo labada hay’adood ee Habitat iyo komishanka
midawga Yurub sanadkii 1998-kii.
Mashruucaas hore oo si guul leh u hirgelay ayaa saamaxay in talaabadan
dambe ee cusub la qaado.
Sanadkii 2002 ayaa Komishanka Midawga Yurub qandaraas ku siiyey Habitat
inay diraasad balaadhan ku samayso dhibaatooyinka iyo baahiyaha ka jira
bandarada Soomaalida ka dibna ay soo jeediso habkii wax lagaga qaban lahaa.
Wajiga cusub ee heshiiska laga gaadhay wuxuu culayska saari doonaa sidii
aqoon xirfadeed oo dhinaca maamulka ah loo siin lahaa madaxda dawladaha
hoose, iyada oo mabda’a laga duulayaa noqon doono in la helo is-maamul
deegaan oo toosan, isla markaana iskii u taagan.
Top
Jaaliyadda Somaliland Ee Magaalada Seattle - USA Iyo Xuskii 18-Kii
May. |
Jaaliyadda Somaliland Ee Magaalada Seattle -
USA Iyo Xuskii 18-Kii May.
Seatle (Haatuf): Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool waqooyiga galbeed
ee Maraykanka (Pacific) ayaa 17-kii bishan magaalada Seatle ku qabtay
xaflad balaadhan oo ay ku xusayeen munaasibadii 18-ka May ee maalinta la
soo noqoshada madax-banaanida.waxaana munaasibadaa soo qaban-qaabiyey
ururka jaaliyadda reer Somaliland ee gobolka waqooyi-galbeed ee carada
Maraykanka, iyadoo ay isugu yimaadeen ilaa 300 qof oo isugu jira rag,
dumar iyo caruur-ba.
Munaasibadda waxa hadalo ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin Maxamed Aw-Geelle
oo ka mid ah odayaasha jaaliyadda halkaas ku nool, islamarkaana ah
macalinkii iskuulka qoray madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Guddomiyaha Ururka Somaliland Society,
Jamaal Cabdi Gaboobe. Sidoo kale waxa isna xafladdaa ka hadlay Khadar
Macalin Qaasin oo ah nin gabyaa ah, iyo ninka isna la yidhaahdo Rashiid
Caraale. Waxa kale oo isna xafladaa ka soo qayb galay, kana hadlay ergay
ka socday ururka samafalka ee magaciisa la yidhaahdo SOM-AID oo ka yimi
magaalada DENVER ee ku taal gobolka Colorado ee dalka Maraykanka.
Top
Boorama: Muranka Dhulka Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka,
Weriye Maxamed Xasan. |
Boorame (Haatuf): Sida ay magaalooyinka kaleba
uga dhacdo magaalada Boorame waxa ka jira muran dhinaca dhulka ah, laakiin
xubnaha golaha degaanka ee Boorame ayaa dhowaan soo saaray go’aan lagu
duminayo dhismayaasha laga taagay meelaha danta guud ah ama meelaha aan
munaasibka ahayn-ba.
Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan oo dhowaan booqday
magaalada Boorame ayaa warbixin kooban ka diyaariyey arinta dhulka
waxyaalihii uu arkay mudadii uu joogay, wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay
“Sida uu ii sheegay Maxamed Maxamuud Aare xubnaha golaha degaanka ayaa
dhowaan soo saaray go’aan ay leeyihiin waa in la dumiyo dhismayaasha laga
taagay meelaha danta guud ah ama laga taagay meelaha aan munaasibka ahayn,
laakiin Maxamed waxa uu sheegay inay meelaha la cayimay in la dumiyo ka
mid yihiin dhisme ay iyagu leeyihiin, kaas oo uu sheegay in dumintiisa la
bilaabay, ayna u hogaansameen go’aankaa, laakiin waxa uu intaa ku daray in
meeshii dayrka gurigoodu ahaa dhowaan laga bilaabay dhisme guri, taasna ay
mar qudha ku war-heleen, iyadoo uu dhismahaa ku tilmaamay mid sharci daro
ah, isla markaana hadii buu yidhi uu sidaa ku dhismo uu xidhayo mid ka mid
ah albaabada laga soo galo dhismahooda, sidoo kalena uu xidhayo jid laami
ah oo meesha mara.
Sida la sheegay dhismahan oo uu hadda muran ka taagan yahay waxa dhisanaya
gudoomiyaha maxkamadda gobolka Boorame, garsoore Axmed Qaadi, laakiin
Maxamed Maxamud Aare waxa uu ku andacooday arintaa lagu xidh-xidhay qaar
ka mid ah qoyskooda, iyadoo buu yidhi dadka la xidh-xidhay loo isticmaalay
awood maamul. Hase yeeshee dhinaca kalena waxaan maqlay gudoomiyaha
maxkamadda oo ka cabanaya qoyska Ilma Maxamuud Aare, isaga oo leh aniga
meeshan waa layga iibiyey oo weliba dayrka gurigooda waxaan uga soo kacay
in aan anigu leeyahay, tolow yaa iga qabta ileyn hadii aan iska celiyona
waxa la odhanayaa awood baa loo adeegsaday, wuxuuna garsoorahani waqtiga
uu sidaa lahaa ku sugnaa goobta dhismuhu ka socdo ee lagu muransan yahay.
Sidoo kale Xuseen Faarax oo ka mid ah odayaasha reer Boorame ayaa isna ii
sheegay in dhismaha muranku ka taagan yahay laga bineeyey goob aan
munaasib ahayn oo sharci daro ah.
Waxa kale oo ay dadka meesha degan qaarkood ii sheegeen in hore loo amray
duminta dayrkan, balse uu dhiskan cusubi yahay mid ay hadda arkayaan.
Sidoo kale sida ay ii sheegeen dad badan oo aan la sheekaystay muranka
dhulku kuma koobna meeshaa oo keliya ee waxa uu ka jiraa meelo badan oo
magaalada ka mid ah. Laakiin mawduuca ugu weyn ee hadda taagani waxa weeye
ka hadda ka dhex-aloosan qoyska ilma Maxamuud Aare iyo gudoomiyaha
maxkamadda gobolka, iyadoo ay dadka qaar farta ku fiiqayaan inaanay meesha
gudoomiyaha maxkamaddu wax ka dhisayaa munaasib ahayn.
Top
Xisbiga KULMIYE Oo Markii U Horaysay Shaaca Ka Qaaday Mawqifkiisa
Rasmiga Ah Ee Go’aankii Natiijada Doorashada: “Waa In La Isugu Yimaado
Wada-Tashi... Waana Inaan Lagu Dhaqaaqin Talaabooyin Wada-Xaajoodka
Waxyeelaya”, Bayaan Qoraal Ah, “Rayaale Wuxuu Igu Yidhi, Oggolow In
Doorashadii Lagaaga Adkaaday, Aniguna Waxaan Ku Idhi…” Axmed Siilaanyo. |
Hargeysa (Haatuf): Xisbiga mucaaradka ah ee
KULMIYE ayaa shalay markii u horaysay shaaca ka qaaday mawqifkiisa rasmiga
ah ee natiijada doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 14-kii
bishii March ee ina dhaaftay ee ay maxkamadda sare ku dhawaaqday dhowaan,
taas oo ay hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE sheegeen inaanay ku qanacsanayn
go’aankii natiijada doorashada ee lagu dhawaaqay inuu xisbiga UDUB ku
guulaystay doorashadii, iyaga oo go’aankii natiijada iyo wixii ka soo
baxaba ku tilmaamay xaaraan, laakiin waxay sheegeen inay ku baaqayaan wada
hadal lagu furdaaminayo mushkiladda ka dhalatay arintaa, waxayna arimahaa
kaga hadleen qoraal dheer oo saxaafadda loo qaybiyey, iyaga oo dhinaca
kalena qoraalkooda tafaasiil kaga bixiyey sababta ay u qaadaceen go’aankii
natiijada iyo hadda sida ay xal u arkaan, hase yeeshee qoraalkaas oo uu ku
saxeexan yahay xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Daa’uud Maxamed Geelle
waxa uu isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:
“Shirar is dabajoog ah oo xisbiga KULMIYE ka yeeshay natiijadii
doorashadii madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, waxay ku falan qeeyeen
dhacdooyinkii la xidhiidhay doorashada iyo mawqifka xisbiga kulmiye ka
qaadanayo arrinkaasi.
Xisbiga KULMIYE waxa uu u sheegayaa umadda reer Soomaaliland inay ka
go’nayd una badheedhay inuu tartan la galo xisbiga UDUB oo adeegsanayey
hantidii, haybaddii iyo awooddii dawladda ee inaga dhaxaysay.
Waxaa mudan in la xuso in maalmihii ugu dambeeyey si badheedha iyo
xaddhaaf ah loo isticmaalay lacagtii kaydka ahayd ee cusbayd ee la soo
daabacay, muddo 10 toban casho ah ka hor maalintii doorashada. Waxaa jiray
xubno isugu jiray wasiirrada iyo UDUB oo loo kala diray degmooyinka dalka
oo aan ka yarayn 500 shan boqol oo qof, loona qaybiyay lacagtaas. Taas oo
kor u dhaaftay Sodon bilyan (qiyaas ahaan) oo Sh.S.land ah, waa ta maanta
ciidamadii iyo shaqaalihii dawladdu ka mushahar la’ yihiin, waa ta maanta
sarrifkii suuqa cirka gaysay ee maciishaddiina kor u qaadday, waa ta
maanta doollarkii lixda kun ahaa ka dhigtay siddeed kun oo shiling S/Land
ah, waana ta maanta ganacsatadii ciidanka rashinka siin jirtay dayntoodii
la bixin kari la’yahay.
Waxaa dhacday in sanaadiiq lagu qiyaasay ugu yaraan 30 si badheedh ah
loola tegey goobo aan dadku ka codaynayn laguna shubay waraaqo codbixineed
oo loo calaamadiyey UDUB. In badan oo sanaadiiqdaa ka mid ah waa tii la
qabtay ee la tirtiray, balse waxaa jirtay sanaadiiq intaa la tirtiray ka
badan oo sidaas geed hoostii loogu soo shubay UDUB kana fakaday tirtirkii,
maantana tirada UDUB loogu dhawaaqay ku jira.
Waxaa kaloo la ogyahay tiro toban wasiir ah oo la magacaabay 10 casho ka
hor maalintii doorashada, gobol walba oo soomaaliland ahna laga siiyay
xubno, loona bixiyay wasiiru- dawle, balse waxay ahaayeen wasiirro loogu
talo galay si gaar ah hawlaha ololaha doorashada ee UDUB, markay intii
hore kaafiyi wayeen mid walbana waxaa loo xanbaariyey lacagtii iyo
hantidii kaydka ahayd ee qaranka.
Arrimahaas aannu kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan oo dhacay
aannaan halkan ku wada tilmaami karin, haddana xisbiga KULMIYE sidaan hore
u soo sheegnay waxa uu u badheedhay inuu UDUB la galo tartan, waxaanu si
sharaf leh kaga helay UDUB codod kuwooda ka badan, waxaannu xisbiga
KULMIYE, UDUB kaga guulaystay 4 afar gobol oo ka mid ah 6da lixda gobol ee
soomaaliland oo kala ah Sanaag, Sool,Togdheer iyo Gobolka Hargaysa.
Waxaa nasiib darro ah markii la ogaaday fiidnimadii habeenkii 18kii april
2003 inuu guulaystay xisbiga KULMIYE, in arrinkii uu soo fara geliyey
shirguddoonka golayaashu, markii uu qaylodhaan u dirsaday xisbiga UDUB
loogana yeedhay madaxtooyada laguna yidhi shirguddoonka waa in komishinku
beddelaa dhawaaqa berrito 9:00 AM loogu dhawaaqayo KULMIYE xataa loogu
hanjabay in la xidhxidhi doono komishinka haddii aanay go,aankaa beddelin.
Dhacdadaa waxaa si fiican uga warramay oo faahfaahin ka bixiyey C/Qaadir
Jirde oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada J/S/l oo
ku caddeeyey warbaahinta waraysi uu siiyay.
Shirguddoonku waxa uu komishinka u tegey laba jeer oo midi ahayd isla
habeennimadaas, midina ahayd subaxnimadii 19/04/2003. Waxa layska saaray
goobjoogayaashii axsaabta waxaana isu keliyaysta shirguddoonkii iyo
komishinkii. Shirguddoonku waxa ay ku qanciyeen guddida doorashooyinka
sabab kasta ha adeegsadeene inay beddelaan natiijadii doorashada ay
markaas gacanta ku hayeen, dibna loo dhigo looguna dhawaaqo UDUB.
Haddii siday ahayd ee komishiku markaa gacanta ku hayeen lagu dhawaaqi
lahaa 9:00am ee 19/04/2003 intii aanay shirguddoonku soo dhex gelin,
kulmiye waxa uu ka horreeyey UDUB codad dhan 620 (lix boqol iyo labaata)
cod.
Arrinkaasi waxa uu sababay kuna qasbay komishankii in sanduuq NO 663
Dhallax oo hore loo tirtiray 700 oo codna UDUB loogu guray iyadoo la
sameeyey taar macmal ah lagana soo diray Ceerigaabo. Arrinkaas oo ay wada
fuliyeen komishanka qaranka iyo guddoomiyaha komishanka ee Gobolka Sanaag
iyagoo ka hor yimi go’aankii hore ee komishinka degmada iyo goobta, kaas
oo lagu tirtiray Sanduuqaas.
Hawshaas oo dhan waxaa la fuliyey muddadii u dhaxaysay 9:00 ilaa 12:00
subaxnimo ee 19/04/2003. Waa tii sababtay dib u dhigista dhawrka jeer kuna
danbaysay in 4:00 galabnimo loogu dhawaaqo UDUB, kuna noqotay in UDUB 80
Cod la dheeraysiiyo KULMIYE, natiijadii dhabta ahaydna sidaas Komishinku
ku bedelo.
Waxaad ogeydeen in wasiirka Arrimaha Gudaha ee JSL uu si badheedh ah shir
jar’aaid oo uu qabtay ku yidhi ‘‘Natiijadda Maxkamadu ku dhawaaqayso waa
tii saxa ahayd ee uu komishanka qaranku gaadhay, mid kalena kuma dhawaaqi
karto’.’ Iyadoo aanay Maxkamadu wakhtigaa bilaabinba dhegeysiga dacwadihii
la xidhiidhay natiijadii doorashada.
Markii uu soo baxay go’aankii cadaalada ka fogaa ee maxkamada sare, isla
markaana xisbiga Kulmiye weli u xaqiijinayey bulshada reer Somaliland iyo
taageerayaashiisaba inaanu weli la hayn go’aankii cadaalada ahaa, waatii
Ilaahay ka yeedhsiiyey…. X.CABDI XUSEEN (WARAABE) shirkii jaraa’id ee ay
qabteen shir-gudoonka Golayaasha iyadoo ay dhab ka tahay dhaqanna u tahay
arrinkaasi ‘‘Axmed siilaanyow, Saleebaan gaal iyo Faysal waannu kaaga
hiilin lahayn, laakiin Daahir oo beelaha daafaha ah waanu kaa siinay’’.
Haddaba xaaji Cabdow Daahir umaad hiilin, Siilaanyana kamaad hiilin ee
waxaad qiratay oo aad ka hiilisay caddaaladii iyo nabaddii oo waxaad u
hiilisay dulmigii.
Inkastoo marxaladdaasi ahayd waqcaddii ugu foosha xumayd ee soo martay
xilligii doorashooyinka, aanay ahayd meesha ay sartu ka qudhuntay,
denbigana ay leeyihiin Shirguddoonka iyo Komishanka oo xaqdarro kula
bahoobay UDUB, haddana KULMIYE waxa uu isku qanciyay inuu ka gudbi karo
caqabadda dulmiga ah hawshiisana uu hore u sii wato.
Dhawaaqaas Komishinka dabadiis waxaa noo caddaatay sanduuq NO627 Balli
calanle oo aan la tirtrin, lana tirin iyo tirooyin badan oo xisaab ahaan
nalooga jaray isugayntii ee Degmooyinka Burco, Boorama, Garadag, Sallaxlay
iyo Gebilay, waxaannu yaqiinsannay inay yihiin wax cad oo aan lays
hortaagi karin lana horgayn karo Maxkamadda, si kastaba dulmigii hore ha u
dhecee. Arrimahaas qayb ka mid ah waxaanu ku soo bandhignay meel fagaare
ah intaanaan dacwadda maxkamadda u gudbin.
Walaw dad badani walaac ay ka muujiyeen, in Garsoorayaasha maxkamadda sare
ay dhinac yihiin, tilmaan dhab ahna nalaga siiyay inaanay marnaba kii
magacaabay ka xukumayn wax kasta oo gari tahay, Islamarkaana warar kale oo
lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen in xubno ka mid ah 7da garsoore
caddeeyeen inay UDUB u xukumayaan iyadoo aan dacwaddaba la hor gayn
maxkamadda.
Haddana arrinkayaga oo caddaa oo aan mugdi ku jirin awgii, iyo annagoo
dareensanayn in waddadii kalee la maraaba ay keenayso caqabad kale,
Xisbiga KULMIYE waxa uu isku qanciyey inay suuro gal tahay inuu Ilaahay
kuwan caddaaladda garansiin karo. Sidaas ayaannu kiiskayagii ugu gudbinnay
maxkamadda sare.
Argagax naguma ridin, balse 7dii garsoore waxay sameeyeen caddaalad
darradii ugu Weyneyd kuna beddeleen go’aankii dadwaynaha reer S/L iyo
codadkoodii, welibana ay tirooyin aan jirin ugu kordhiyeen xisbiga UDUB si
ay farsamo ahaan u qariyaan dulmigooda, xataa tixgelin kumay samayn haba
yaraatee arrimihii ay usoo gudbiyeen komishinku (si kastaba iyaga ha ka
ahaatee), oo u markhaati furaayey xisbiga Kulmiye, waxaanu qabnaa hadii
markhaatigaa cad ee komishinka ay fuliyaan, inuu KULMIYE mar 2aad kaga
codad badan lahaa UDUB, balse 7dii garsoore meeshii ay ugu talo galeen
ayay mariyeen.
Layaab waxa leh, ilaa maalintii ay soo baxday natiijadii ku-meel-gaadhka
ahayd ilaa kii Maxkamada, waxaa soo baxay saddex natiijo oo kala duwan
sida kii ugu horeeyey ee 19kii April oo ay komishanku sheegeen in Udub 80
cod kaga guulaysatay KULMIYE, waxaa xigay kii Komishanku kaga jawaabay
dacwadihii xisbiyada ee ay Maxkamada u gudbiyeen oo sheegeen in tiradii
UDUB laga jaro 36 cod oo ku dheeri ah. Waxaana ugu danbeeyey kii Maxkamadu
ku soo saartay tiro aan horeba loogu hayn natiijooyinkii hore oo UDUB 217
cod kaga guulaysatay.
GEBO-GEBO.
Maanta waxaa ina hor yaalla oo aan layska indho tirayn oo waaqici ah inay
doorashooyinkii ka soo baxeen laba go’aan oo mid yahay kay dadku u
codeeyeen ee uu ku guulaystay KULMIYE, iyo ka kale oo ah go’aanka
caddaaladda ka fog ee 7da garsoore ee maxkamaddu ku dhawaaqeen ee UDUB
dugsanayso.
Haddaba xisbiga KULMIYE
Isaga oo arrimahaas aan kor ku soo sheegnay iyo waaqica dhabta ah ee jira
ka duulaya
Isaga oo eegaya danta guud ee ummadda reer S/L
Isaga oo ka taxadaraya wax kasta oo nabad gelyada wax u dhimaya
Isaga oo tix gelinaya aragtida guud ee caalamku ka qabo Jamhuuriyadda
Somaliland
Isagoo marnaba dhiiri gelinayn cadaalad darro.
Waxa uu mar labaad ku celinayaa xisbiga KULMIYE in aanu ku qanacsanayn
go’aankaas xaq-darada ah ee garsoorayaasha, (wixii ka dhashaana ay yihiin
xaaraan).
Haddaba, si loo xallilo mushkiladahaas, xisbiga KULMIYE waxa uu soo
jeedinayaa in la isugu yimaado wada tashi, laguna dhameeyo muruggaas la
soo geliyey doorashada, iyo guud ahaanba badbaadinta dalka. Waxa aanu u
aragnaa in danta guud ku jirto in la isugu yimaado miiska wada hadalka,
iyadoo qolana aanay sidan wax gaara iyo shuruud midna. Tallaabooyin kale
oo wada xaajoodka wax yeelleeyana lagu dhaqaaqin inta arrintaas meel la
isla dhigaayo.”
Qoraalkan waxay madaxda KULMIYE ka akhriyeen kulan ay saxaafaddu ka soo
qayb gashay, iyadoo ay kulankaa goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah
madaxda xisbiga KULMIYE, oo ay ka mid yihiin gudoomiyahooda,
Axmed-Siilaanyo, gudoomiye-kuxigeenka labaad, Marwo, Siraad Cali Yuusuf,
C/raxmaan Aw-Cali Faarax, afhayeenka Maxamed Iid Dhimbiil iyo xubno kale
oo siyaasiyiin ah, waxaana qoraalkaa akhriyey afhayeenkooda, Maxamed Iid
dhimbiil, laakiin Axmed Siilaanyo ayaa isna mar la waydiiyey inuu macneeyo
nuxurka bayaankooda ama mawqifkood waxa uu yidhi “koley waad maqasheen
dhowaan waanu is aragnay Daahir Rayaale, isaga ayaana I marti-qaaday,
wuxuuna shardi ka dhigay inaan marka hore u ictiraafo inuu isagu
madaxweyne yahay, isaga oo ku tiraabay ii ictiraaf madaxweyne inta aynaan
wax kale gelin oo ii ogolow inaanu ku adkaanay doorashadii, aniguna waxaan
ku idhi waxaan kuu sheegayaa inaad doorashadii boobtay oo aad dhacday,
taas darteed kuuma ictiraafayo, ta kale marka la eego marxaladda ummaddu
ku jirto iyo xaaladdu sida ay u dhacday dalka dantiisu waxay ku jirtaa in
loo baahan yahay inaan shuruudo musbaq ah lagu xidhin wixii danta ummadda
loo arko ee iyada oo loo siman yahay inta la is horfadhiisto laga wada
hadlo oo la isla meel dhigo”.
Top
Khasaaraha Dhul-Gariirkii Aljeeriya Oo Sii Kordhaya. |
Algiers (W.Wararka) - Khasaaraha uu geystay
dhul-gariirkii ka dhacay Al-jeeriya ayaa marba marka ka dambaysa sii
kordhaya iyadoo haatan dadka ku dhintay ay gaadhayaan 2000 oo qof, taasi
waxay keentay inay cadho xoog leh ka muujiyaan dadka reer Aljeeriya oo u
arka inaan sidii ay u baahnaayeen ama ku haboonayd loogu soo gurman. Waxa
kale oo ay ka cabanayaan dhismaha guryaha oo ahaa mid qadiim ah taasoo
keentay in khasaaraha dhulgariirku uu aad u bato.
Sidoo kale, waxaanay dadkaasi helin gurmadkii ay u baahnaayeen ee dhinaca
samofalka waxaanay u arkaan in laga gaabiyay gurmadkii ay u baahnaayeen.
Dalalka caalamka ayaan iyaguna u dirin dalkaasi gurmad waxtar leh iyadoo
aad moodo inay ka caga-taalaynayeen fidinta gurmad hagar-la’aan ah. Waxa
kale oo iyaduna dhibaatada qayb ka sii qaadatay wado-xumo ay la kulmeen
gaadiidku iyo qalabka loogu gurmado masiibooyinka oo ku yaraaday dalkaasi.
Madaxweynaha dalkaasi iyo mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladiisa
ayaa kormeero hubin ah ku soo maray goobaha ay masiibadu haleeshay,
waxaana halkaa mudaharaado cadho kala horyimid Madaxweynaha dadweyne
cadhaysan.
Top
Dawlada Israel Oo Markii Ugu Horaysay Oggolaatay Qaran Madax-Banaan Oo
Falastiin. |
Qudus (W.Wararka) - Dawladda Israel ayaa
meelmarisay oo ogolaatay hindise fasaxaya dhismaha dawlad xor ah oo ay
Falastiiniyiintu yeeshaan kadib markii ay maalintii shalay shir isugu
yimaadeen golaha wasiiradu, shirkaas oo uu gudoominayay Ra’iisalwasaaraha
dalkaasi Ariel Sharon, iyadoo ay ogolaadeen 12 wasiir halka ay ka diideen
7 wasiir qaar kalena ay ka aamuseen.
Arrintani waa markii ugu horaysay ee ay dawlada Israel ogolaato dhismaha
dawlad xor ah oo ay yeeshaan Falastiiniyiintu iyadoo ay mushkilada Bariga
Dhexe soo jiitamaysay muddo nus-qarni ka badan. Ogolaanshahan dawlada
Israel wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay hindise nabada Bariga Dhexe ku
saabsan soo bandhigeen dawlada Maraykanka iyo dalalka daneeya qadiyada
Bariga Dhexe sidii xal loogu heli lahaa, qorshahaasi oo loo bixiyay
“Khariidada Nabadda ama tubta nabada” waxa uu dhigayaa dhismaha dawlad ay
yeeshaan Falastiiniyiintu oo madax-banaan inkastoo uu ku xidhayo shuruudo
isla markaana loo dejiyay jaran-jaro soconaysa tan iyo 2005.
Ariel Sharon oo mudadii uu Ra’iisalwasaaraha ka ahaa Israel u muuqday mid
ku ad-adag dhismaha dawlad Falastiin yeelato ayaa haatan mawqifkiisii u
muuqataa inay wax iska bedeleen waxaanu haatan u muqdaa nin horseed ka ah
nabada Bariga Dhexe halkii uu markii hore ka ahaa dagaal-oogaha geyigaasi.
Maamulka Falastiiniyiinta ayaa iyaguna dhinacooda kasoo dhoweeyay
hindisahan oo ay u arkaan mid xal waara u keeni karaya qadiyadooda iyo
dhismaha dawladii ay ku taamayeen mudada dheer.
Dalalka Carabta ayaa iyaguna haatan isku duba-ridaya mawqif midaysan oo ay
ka yeeshaan hindisahan oo ay u soo dhoweeyeen si taxaddir leh maadaama ay
qodobada qorshan ku jirto inay dalalka Carabtu heshiis iyo xidhiidh fiican
la yeeshaan dalka Israel.
Top
FAAQIDAADA ADDUUNKA, Siciid Guraase. |
Dawlada Israa’iil ayaa markii ugu horaysay
ogolaatay qaraar ay ku ansixinayso dawlad gaar ah oo ay falastiiniyiintu
yeeshaan, taasoo ah ogolaansho meelmarinta qorshaha “Tubta Nabada”ee ay
soo bandhigtay dawlada maraykanku si ay labada dhinac ay isula meel
mariyaan qorshahaasi oo loogu talo galay inuu soo afjaro geedi socodkii
nabada bariga dhexe oo mudo dheer soo jiitamayey. Su’aasha ay is
weydiinayaan dadka badankiisu ayaa ah waa maxay qorshaha tubta Nabadu ?
qodo badee buuse ka koobanyahay?
Qorshahan waxa diyaariyey gudida afar geesoodka ah oo ka kooban dalalka
Ruushka, Maraykanka, Midawga Yurub iyo Qaramada midoobay dabayaaqadii
sanadkii 2002 si loosoo af jaro xal waarana loogu helo mushkilada bariga
dhexe ee u dhaxaysa Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta taasoo ay ku
magacaabeen Tubbta Nabada.
Qorshahani kama duwana qorshayaashii ka horeeyay ee uu ugu weynaa
heshiiskii Oslo laakiin qorshahani waxaa ku jira jadwalo badan oo loo
qabtay xal u helida Qadiyada reer Falastiin, waxaana qorshahan ka
koobanyahay sadex marxaladood oo kala ah iyadoo qodobkeeda ugu dambeeya la
dabaqi doono sanadka 2005 waxaanay sadexdaa marxaladood kala yihiin:
Marxalada koowaad oo soconaysay Oktoobar 2002 illaa May 2003
Waxyaabaha marxaladan ku jirana waxaa ka mid ah:
inay falastiiniyiintu deg deg u joojiyaan kacdoonka ay wadeen.
Inay joojiyaan dhiiri gelinta halganka lagula jiro israa’iil.
In la soo celiyo heshiiskii dhinaca sugida amaanka ee u dhexeeyay labada
dhinac.
In la diyaariyo jawi ay ku qabsoomi karaan doorashooyin iyo dastuur cusub
oo ay yeeshaan Falastiiniyiintu si loo soo dhisi karo dawlad cusub oo ay
Falastiiniyiintu yeeshaan taasoo uu madax ka yahay raiisal-wasaare cusubi.
Inay Israaiiliyiintu hagaajiyaan duruufta nololeed ee falastiiniyiinta.
In la in dhibaato loo gaysto dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinat iyo
waxay haystaan.
In la hakiyo deegaamaynta dadka Yuhuuda ah ee la dejinayo dhulka
Falastiiniyiinta.
Inay ciidamada Israa’iil ka baxaan dhulkii ay xooga ku qabsadeen laga soo
bilaabo Septembar 2000 taasoo ku xidhan kolba sida ay labada dhinac
iskaashi uga yeeshaan dhinaca amaanka.
Marxaladda labaad oo soconaysa Jun 2003 illaa diisambar 2003
Waxyaabaha qaybtan ku jirana waxaa ka mid ah:
in la qabto shirweyne caalami ah si loo eego suurta galnimada dhisida
dawlad ay leeyihiin reer falastiin loona sameeyo xuduud cayiman dhamaadka
sanadkan.
In la soo nooleeyo caadina laga dhigo cilaaqaadka ka dhexeeya carabta iyo
Israa’iil.
Marxalada sadexaad oo soconaysa sanadka2004 illaa 2005
Waxyaabaha ay marxaladani ka koobantahayna waxaa ka mid ah:-
-In la qabto shirweyne sadexaad shirweyne sadexaad oo caalami ah si ay
labada dhinac isula meel dhigaan heshiis waara loona soo afjaro sanadka
2005 arimaha khilaafku ka taaganyahay oo ay ka mid yihiin xuduudaha,arinta
Qudus iyo deegaanada Yuhuuda.
-In si rasmi ah loo hagaajiyo xidhiidh fiican oo dhexmara Carabta iyo
Israa’iil.
Waxyaabaha in la xuso u baahan waxaa ka mid ah ee qorshahan dhaliisha lagu
saarayo arrimo ay ka mid yihiin:
Iyadoo uu qorshahani ahmiyad weyn siinayo nabada israa’iil iyadoo aan wax
xal ah loo helin dhibaatada dadka reer falastiin iyo in la joojiyo
halganka ay ku jiraan dadka reer Falastiin.
Waxa kale oo qorshahan ka muuqata indib loo dhigay dhismaha dawlada reer
falastiin oo laga dhigay mid ku meel gaadh ah iyo iyadoo dib loo dhigay
arrimaha xaasaasiga ah oo ay ka mid yihiin deegaamaynta Yuhuuda,arrinta
qaxoontiga reer Falastiin iyo
Qadiyada qudus.
Qorshahana waxaa laga kala muujiyey mawqifyo kala duwan, Falastiiniyiintu
dhinacooda way soo dhaweeyeen in kasta oo ay ka gaws adaygeen qodobka ah
in ay sameeyaan jago ra’iisalwasaare ah.
Israa’iil dhinaceeda may aqbalin qorshahan ilaa isbadal lagu sameeyey
qodobadiisa qaar ka mid ah Carabtu waxaa muuqata in aanay wali mawqif
midaysan ka yeelan qorshahan, balse dawladaha carabtu waxa muuqata in ay
ahmiyad siinayaan dhismaha dawlada reer falastiin iyo in ay Israa’iil
aqbasho xuquuqda dadka reer falastiin ka hor inta aanay xidhiidh fiican la
yeelan dalka Israa’iil.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in ay haatan aduunyadu ahmiyad siinayso
sidii xal waara loogu heli lahaa mushkilada bariga dhexe ee mudada dheer
soo jiitamaysay.
Top
Mawliid Jaamac Warsame, Aabo Cabdi Aadan Cigaal,
C/Laahi Aadan Cigaal, Rashiid Cabdi Cigaal, Maxamuud Cabdi Cigaal, Khadar
Cabdi Aadan Iyo Xaaskiisa, Axmed Cabdi Aadan Iyo Xaaskiisa, Ibraahim
Maxamed Yuusuf, Faysal Maxamed Yuusuf, C/Qani Maxamed Yuusuf, Barwaaqo
Cismaan Faarax, Muna Maxamed Qulumbe, Nadra Xasan Yuusuf, Iyo Dhamaan Reer
Cabdi Aadan Oo Kala Jooga Somaliland Iyo Britian Waxay Hambalyo Iyo
Bogaadin Balaadhan U Dirayaan Cumar Cismaan Ducaale Iyo Farxiya Cabdi
Aadan Oo Dhawaan Ku Aqal Galay Hotel-Ka Titanic Ee Magaalada Burco,
Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Khayr Qabana Kala Hela,
Aamiin.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Amni Iyo Iimaan Waa Ducadii Rasuulka Scw. |
Aniga oo ah Gudoomiyaha 40 nin oo fadhiista
Mafrishka Ismaaciil Cismaan Bakayle, kuwaas oo leh Culimaa’udiin, Cuqaal
iyo wax-garadba, waxaanu halkan ku caddaynaynaa in khudbadda uu 25/5/2003
jeediyay Axmed Siilaanyo in ay tahay oo aanu u aragno mid amniga iyo
iimaankaba xumaynaysa, isla markaana mid aanu u dulqaadan karayno maaha.
Maxkamadda uu aflagaadeeyayna, waa tii uu saxeexay inuu kalsoon yahay
go’aankeeda.
Dawladda Somaliland koox yar, qof iyo qoys midna u joojin mayso oo
jiritaanka Somaliland waa muqadis, hagaraaracna lug uma dhutiyo, waxaanu
ku boorinaynaa dawladda Somaliland in ay awoodeeda sharciga ku mariso
wixii ku xadgudba amniga iyo ammaanka, iyadoo uu Nebigu ku ducaystay (SCW)
“Amni wal iimaan” oo ah nabad iyo iimaan wanaagsan in la helo, annaguna
waxaanu la garab taagan nahay hiil iyo hooba.
X. Ismaaciil Cismaan Bakayle, Hargeysa.
Top
Xagee Buu Ku Dambeeyey Sportigii Gobolka Awdal? |
Mihnada ciyaaraha taariikh ahaan waa mid fac
weyn, waxayna soo martay marxalado kala duwan, faraca aas-aaska ciyaaraha
waxa iska lahaa dalka Shiinaha, wakhti yar dabadeedna waxa ay ku faaftay
caalamka intiisa kale.
Ka dib tadawar iyo isbdedelo lagu horumariyey tayada ciyaaraha wakhtiyo
kala duwan waxaa lagu guulaystay in la gaadhsiiyo heerka ay maanta marayso,
taas oo sababtay in bulsho kasta oo meel ku dhaqani ay ahmiyad weyn
siiyaan si ay u hayb-sadaan wadamada dhigooda ah iyo tartamada caalamiga
ahba.
Haddaba haddii aan u soo daadago gundhiga maqaalka waxa jirtay in G/Awdal
uu lahaa taariikh sport oo qoto dheer oo uu kaga dhexmuuqday gobolada
intooda kale, balse hadda ay ka muuqato fadhiidnimo, taab-gaabni iyo kala
daadsanaan baaxad leh, taas oo ay sababeen mushkilado baahsan oo
ragaadiyey dhaq-dhaqaaqii sport ee gobolka.
Haddii aan wax ka taa-taabto taariikhda sportiga gobolka Awdal intii ka
damabaysay 90-kii, waxa jirtay, in sanadkii 1992-kii ay gobolka ka
abuurmeen tar-tamo ciyaareed oo ay iskood u abaabuleen wiilal ka tirsanaa
ciyaartoygii G/Awdal, waxa mar-ba marka ka damabaysa kor u sii kacayay
dhaq-dhaqaaqa iyo xirfada ciyaareed ee gobolka, gaar ahaana magaalada
Boorama, taas oo ay ku kasabadeen inay noqdaan kuwa ugu ciyaar farsamo
sareeya J/Somaliland, waxa kale oo ciyaar wanaagoodaasi sababay in
hay’adda UNDP/OPS oo markaa xafiiskeedu ahaa magaalada Boorama ay sanadkii
1994-kii ka heleen deeq dhan 54,000$ si loogu sameeyo xarun loogu
talo-galay ciyaaraha garoomada dadan (In Door Games) sida ciyaarta
bilyaardiga, si kor loogu qaado kobcinta dhalinta iyo ciyaaraha, balse
nasiib daro arrintaasi ma suurto galin, ka dib markii maamulka wasaaradda
dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolku si qaab-daran u maamulay qalabkii
loogu talo-galay inay xaruntu ku shaqayso, oo aan ilaa maanta la aqoon
meel uu ku dambeeyo.
Arrintaas ayaa markii u horeysay sababtay hoos u dhaca iyo niyad jab ku
yimid guddidii dhalinyarada ciyaaraha ee gobolka iyo ciyaartoygii-ba, isla
markaana wasaaraddu aanay waxba- ka qaban.
Arinta labaad ee ragaadisay kobicii iyo dhaq-dhaqaaqii sportiga gobolka,
ayaa aha dhaqan cusub oo ay dhalinyarada ciyaaraha ee gobolku jeebkooda
kala soo baxeen, kana baxsan anshaxa ciyaaraha oo ah ciyaar labaad (New
Game) oo bilaabanta marka ciyaartu dhamaato, ee kooxi guulaysato, la
iskuna adeegsado budhadh, midiyo, iyo faashash, kaba sii darane waxa
sanadkii ina dhaafay ee 2002-da ku soo biiray ciyaartan labaad isku
adeegsiga xabado nool-nool, taas oo fajac iyo yaab ku abuurtay bulshada ku
nool magaalada Boorama. Iyo arrinta sadexaad oo ah dayacaad ka timid
dhinaca wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Arrimaha aan kor ku soo sheegnay ayaa waxa ay sababeen inay gabi ahaanba
meesha ka baxeen (burbureen), naadiyaddii heerka koowaad (Serie A) iyo
kuwii heerka labaad (Serie B), hadeerna aanay muuqan wax yididiilo ah oo
ay dib iskugu abaabulaan.
Waxa kaliya ee hadda magaalada ka dhaq-dhaqaaqa ayaa ah kooxaha heerka
saddexaad (Serie C), oo iyagu iskood isku abaabula, balse iyagana waxa dib
u dhigaya taageero la’aan iyo iyaga oo aan dhexdooda isku ogolayn inuu
midi guulaysto, oo qas iyo rabshado abuura.
Haddaba su’aalaha la isweydiinayo ayaa ah, Hoos u dhacani xaguu ka yimid,
maxaase sababay in wax laga qaban waayo?
Ma wasaaraddii ku shaqo lahayd ayaa xilkeedii dayac-yacday oo hawlo kale
ku milantay?
Ma maamul xumo gobolka iyo kan degmada ka timid-baa?
Mise waa mid ku timid maafiyeynta ciyaartoyga?
Si kastaba ha noqotee haddii aan si deg deg ah wax looga qaban, waxa
suurto gal ah in gobolka gabi ahaantiis ay ka suusho (Dabar go’o) mihnada
ciyaaraha isboortigu.
C/Raxmaan Maxamed Habane, Boorama.
Top
Wasiirka Siyaasadi Ma Waxay Ka Gashay Daarad Dhagax ka Tuurid. |
Ilaa intii ka dambaysay ku dhawaaqistii
natiijadda doorashadii ka dhacday wadanka waxa dariiqyada magaalada
caasimada lagu arkayey ciidamo heegan ah gaar ahaan wakhtiga habeenkii,
inaksta oo aanay dadweynuhu si dhab ah u garan waxa ciidankaa heeganka
galiyey, laakiin waxa keliya ee loo nisbaynayey waxay ahayd natiijaddii
muranka dhalisay ee xisbiyaddii tartamayay, qaarkood aanay ku qancin.
Dhacdadii u dambaysay ee dhaq-dhaqaaqa waxay ahayd rasaaas dadweynaha
Hargeysa maqleen habeenimadii bishu ahayd 18-kii May, habeenimadii cid
ogaatay ma jirin waxa dhacay, laakiin subaxdii ayaa waxa la helay warar
sheegaya in magaalada galbeedkeeda ay isku haleeleen dhalinyaro hubaysan
iyo ciidamada qaranka, aakhirkii waxa tafaasiil ka bixiyey wasiirka
arrimaha gudaha oo sheegay in ciidamada dawladda iyo dhalinyaro hubaysani
isku haleeleen dagaal meel dibadda ka ah magaalada, ciidamada oo ku dhex
dhacay, qayral masuul ah oo meel isku urursanaya ka dibna xabbadda lays
qaniinsiiyey, isla marka laga adkaaday dagaalkaa oo aan yeelan dhaawac,
dhimasho, qabasho midna, ayna magaalada dib u soo galeen iyada oo ciidan
ku daba jiro, midna heegan ku yahay magaalada dhexdeeda, wuxuu sheegay
wasiirku in uu hayo liis sodon qof oo la doon doonayo qaarna la qab-qabtay.
Haddaba markii ay waxaas oo hadal ahi isu kay qaban waayeen waxaan
xusuustay sheeko ka dhacday magaalada Ceeri-Gaabo. Ka dib intii laga
xoreeyey dawladdii Siyaad Barre wadanka.
Waxa jiray reer qurbaha ku rogay oo markaa soo noqday oo degay magaalada,
markaa waxa loo qabtay inan ilaaliya, markii dhawr bilood laga soo
wareegay markay yimaadeen ayaa waxa u muuqatay reerkii in ay magaaladu
amaan tahay, oo qaadkii uu ku soo jeedi jiray bay ka gooyeen inankii,
markaa wuu fekeray si aan sedkiisu uga joogsan oo aanay u seegin
shaqadiisa iyo baahiddii loo qabay, wuxuu bilaabay in uu daaradda isla
taago dhagax oo ku dhufto jiingada markaa reerkii waxay isku qanciyeen in
ay jiraan tuugo guriga khatar gelisay oo lagu kacay oo cararay markaa
waxay dib ugu bilaabeen inankii inuu soo jeedo oo qaadkiisa la siiyo,
laakiin waxa la ogaaday muddo dambe in inanku yahay kan wax dhagxinaya,
hadeer arrinta Ismaaciil taas oo kale ayaan u arkay.
Cabdi Faarax Cali, Hargeysa.
Top
Waxa maamulka gobolka Awdal iyo Degmada Boorama
ka dhacay fool-xumo weyn oo ka soo horjeeda nidaamka dawladnimo.
8-deedii bishan May waxa gobolka Awdal ka dhacay in Guddida nabadgelyada
ee gobolku ay xidh-xidheen xakumeena dhalinyaro aan ku qiyaasi karo 12
ilaa 13 qof.
Haddaba anigu ma lihi dhalinyarada malaha dambi, laakiin adigoo dambi ku
soo oogi kara, maragna u heli kara, maxkamaddana horgeyn kara, waxan garan
waayey waxa maamulka gobolka Awdal iyo kan degmada Boorama ku kalifay inay
la doontaan guddi xaaraan ah oo xukun xaaraana ay ku xukumaan muwaadiniin.
Su’aasha kalena waxay tahay, iyaga oo heli kara maxkamada sharci ah,
haddaan wax laga qarinayn maxaa keenay in guddi nabadgelyo oo cadaaladda
debada ka ah.
Wasiirka daakhiliga waxaan ka codsanayaa inuu xorriyadooda u celiyo
dhalinyarada xidhan inta aan dembi lahayn, inta kalena maxkamad la
hor-geeyo. Waxayna noola muuqataa in dadka lagu kiciyo xukuumadda ee
halaga fiirsado, mana rabno in xukuumadda loo helo iin ama gol-daloolo.
Colaad Dhoore Warsame, Boorama, Awdal.
Top
Kumuu Ahaa Mujaahid Ibrahim Jamac Dhiif (Haliqin)? |
Beri oo ay taariikhdu tahay 27 May, ayaa ah
maalin qiimo weyn oo ku beegan maalintii dagaalayahamiinta SNM ay weerarka
ku qaadeen fadhixisimadii ciimada qalabka sida ee taliskii Siyaad Barre ku
lahaayeen magaalada Burco muddo hadda laga joogo 12 sano. Haddaba
dhacdadii 27 May 1988 oo gogolxaadh u ahayd xornimada maanta lagu haysto
Somaliland ayaa ahayd mid ku reebtay bulshada reer Somaliland dareen
xusuus mudan oo ay habboontahay in la xuso. Haddaba maalintaas taariikhiga
iyo waxyaabaha ku gadaaman waxaan ku xusi doonaa mujaahid kamid ah
saraakiishii SNM oo ku shahiiday dagaalkii maalintaa 27 May ka dhacay
magaalada Burco, kaasoo ahaa Muj. Colonel Ibrahim Jama Dhiif.
Mujaahid IBRAHIM JAMA DHIIF( HALIQIN) wuxuu ku dhashay gobolka Togdheer
taariikhdu ahayd 1939. Ibrahim isaga oo da'diisu aad u yar tahay ayaa loo
kaxeeyey dalka Yemen gaar ahaan Cadan si uu wax uga barto, halkaasuu ka
billabay waxbarashadiisa kuna dhamastay waxbarashada ilaa dugsiga sare.
Waxbarashadiisa ka dib wuxuu mujaahidku Cadan ka bilaabay shaqo mudddo
gaaban isaga oo ka mid ahaa shaqaalihii Milliteriga Cadmeed.
Taariikdu markay ahayd 1967 waxaa Cadan ka billaabmay dagaaladii
xornimodoonka ee loo yaqaanay xabadi keentay kaasoo sababy kala yaac ku
dhacay dadkii ajinebiga ahaa gaar ahaan Somalidii oo in badani dib ugu soo
laabatay dalka. Hase yeeshee, Ibrahim (ilaahay naxariistii jano ha ka
waraabiyee)si uu waxbarashadiisii u sii wato waxa uu waxbarasho
jaamacadeed u tegey dalka Suuriya, halkaas oo uu ka bilaabay Jaamacadda
bartayna tacliinta Milateriaga qaybta Kommaandowsta. Mujaahid Ibrahim
naftiisa iyo wakhtigiisaba wuxuu huray xornimada. Isaga oo arday ah ka
qayb qalay ka qayb galay dagaaladii bariga dhexe gaar ahaanna kii Lubnaan
ee lagaga soo horjeeday gumaysigii Yuhuudda waxaanu ka dagaal galay
Bayruud, taasoo oo uu ku mutaystay ammaan badan oo ay u soo jeediyeen
madaxdiisii. Arinkaas oo ah astaan muujinaysa himiladii halyeyga ee u
godoomay xornimo udirirka isagoo markaa qurbo joog ah. Waxaanan odhan
karnaa wuxuu ahaa xornimo u dirir caalamiya.
Ibraahim isaga oo weli arday ah dhigtana jaamacada tababarka meliteriga
kamaandoosta ee dalka Suuriya ayaa waxaa booqosha ku yimi dalka Suuriya
wefti balaadhan oo ka socda dawladii Somalia oo uu hogaaminaayo
madaxweynihii hore ee Siyaad Barre. Ibrahim waxa uu ku jiray ragii
salaanta bixinaayey ee soo dhawaynaayey waftigaas. Markii Siyad Barre loo
sheegay in ninka salaanta siinayey ee ciidamda Suuriya ka tirsanaa uu
yahay nin Somaliyeed ayuu dalbaday inuu arko ninkaas. Ka dib markii ay is
barteen oo si gacan qaadeen waxa uu Siyaad Barre waydiiyey Muj. Ibrahim
waydiiyey waxaa meesha ku keenay iyo wuxuu ka qabto. Ibrahim waxa uu
sheegay inuu yahay raga gobonimadoonka muslimiinta reer Falastiin isu
xilsaaray kana mid yahay jabhada Lubnaan ee la dagaalama Yuhuuda.
Balanqaad ayay wada galeen mujaahidka iyo Siyaad Barre, waxaana laga
codsaday inuu wadanka ku soo noqdo marka uu dhamaysto waxbarashadiisa.
Ibarahim waxa uu wadanka ku soo laabtay sannadku markuu ahaa 1975 halkaas
oo uu mudo joogay sidii uu filaayeyna ay dhakhso waxba ugu qabsoomi
waayeen balanqaadyadii madaxweynahanu ay noqon wayday siduu filaayey.
Intaas ka dibna wuxuu makhtabada Muqdisho ka billaabay daraasad uu arday
ku bari jiray aqoonta Milteriga iyo tabaha xeeladda dagaalka. Markii ay
dawladu ogaatay dhaqdhaqaaqa uu billaabay ayaa loo yeedhay waxaana loo
magacaabay inuu noqdo Profesor wax ka dhiga Kulliyadii ciidamada (KULIYADA
JAALE SIYAAD). Intaas kadibna waxa uu ku biiray ciidamada qaranka ee
kamandowsta oo uu ka gadhay kornayl isaga oo ahaa tababaraha saraakhiisa
ciidamada ee Ballidoogle.
Mujaahid Ibrahim Jamac alleh ha u naxariistee waxa uu ahaa nin ku caan
baxay geesinimo, hoogaamin iyo hal adayg. Waxaana lagu tilmaamaa inuu ahaa
nin daacad ah oo waddani ah oo danta guud ka hormariya ta gaar ahaaneed.
Wuxuu ahaa nin hawl kar ah oo jecel inuu sameeyo wuxuu ku ballan qaado.
Waxaanu caan ku ahaa barista cilmiga la xidhiidha milateriga /xeesha
dagaal iyo dagaal gelinta. Mujaahid Ibrahim (Ha liqin) wuxuu ka mid ahaa
saraakiisha sare ee Somaliyeed ee aqoonta iyo khibradda u leh cilmiga
Milteriga. Mujaahidku wuxuu ahaa nin gumaysiga neceb oo uguntay dhaq
dhaqaaqa xorriyadda iyo dhawrista xuquuqal insaanka. Mujaahid Ibrahim
wuxuu ahaa nin aragti dheer oo jeclaa inay xorriyad ku noolaadaan dhammaan
muslimiinta ku nool daafaha dunida. Ibraahim waxa uu ku caan baxay tabar
bar wanaag iyo fir fircooni, kulliyada ragii uu tababarka ku siin jiray
waxa ay u bixiyeen HALIQIN, ujeedaduna ay ahaad isaga oo ahaa nin aan u
ogalayn iska fadhiga iyo nasashada aan loo baahnayn halhaysna ay u ahayd
HALIQIN.
Muj. Ibrahim markii ay mudo yar jirtay dhaqdhaqaaqii SNM ayuu ka soo
goosatay ciidamadii faqashta ee saldhigii Balidoogle. Xilligaas oo
markiiba uu noqday ninka haysta ciidamka aaga Xalxaliseed kadibna wuxuu
noqday tababaraha Baabule oo ahaa rugta ay ka soo baxaan mujaahidiinta SNM
ee sharafta iyo qiimaha mudan. Ibrahim wuxuu kamid ahaa saraakiishii
ciidamada aagga bari waxaanu ahaa taliyaha ciidamada aagga bari ee
saldhigoodu ahaa magaalada Habuura. Muj. Ibrahim waxa uu ka qayb galay
hawl gallo badan oo ay ka mid yihiin DIINLE oo noqday dhaqdhaqaaqii SNM
maalin qiimo ugu fadhida.
27 May 1988kii bay ahayd markii ciidamadii xaq u dirirka ahaa ee SNM oo
weerar ku qaaday fadhiisimadii faqashta ee magaalada Burco. Waxaanu watay
ciidankii ugu badnaa aagga bari ee la odhan jiray saddexaad. Ciidamada SNM
waxay kasoo kicitimeen magaalada SAMATAR AHMED oo ku taalla hawdka.
Ciidamadu waxay wateen ilaa afartan gaadhi oo isagu jiray tikniko iyo
baabuur xamuul. waxaa ay bartii Kulanka ee SAMATAR AHMED kasoo ambabaxeen
casar liiqii, waxaana ay xadka soo galeen gabal dhicii waxaanay ku socdeen
bilaa layd ilaa magaalada Burco oo ahayd barta yoolkoodu ahaa. Markii ay
marayeen magaalada HAYDH-DUCOTO ee SNMtu u bixisay barta guusha ayaa
ciidamadii faqashta ee fadhigeedu ahaa NASIYE ay ugu sameeyeen jid gooyo
halkaasoo laysku waydaarsaday rasaas, intaa ka dibna wax iska horimaada
lamay kulmin ilaa Burco. Markay ciidamadii SNM Burco geliyeen oo u
horreeyeen ciidamadii uu watay Muj. Ibrahim waxaa xabado isku
waydaarsadeen ciidamadii koofiyad casta ee deganaa waddada aroori. Laakiin
Muj. Ibrahim wuxuu ka codsaday inaan dheg loo jalaqsiin ciidamadii SNM jid
arbushadaas ee ciidamadu gutaan waajibaadkoodii.
Mujaahidku waxaa loo qaybiyey inuu qabto xeridii milateriga iyo gegedii
diyaaraha ee Burco, waxaanu watay ciidan aad u nidaamsan oo tababaran,
inkastoo ciidamadii faqashtuna sameeyeen iska caabin badan haddana
ciimadii xaq udirirka SNM way fuliyeen waajibkoodii. Muj. Ibrahim wuxuu u
dagaalamay maalintaas si geesinomo leh, waxaanu sidoo kalena ciidamadii u
habeeyey si aad u fiican oo ay ku dheehan tahay geesinimo iyo xirfadi.
Wuxuu seh Mujaahidku ku shahiiday isla maalintaas 27 Mey hawlgalkaas
isagoo gudanaaya waajibkiisii ciidan sidoo kalena naftiisa u horaaya
xornimada dadkiisa.
Mujaahidkuna wuxuu shahiiday goob dagaal oo xornima doonah eebena aanu ku
simin daymada dadkiisa oo xoriyad, nabad, sharaf iyo niyad wanaag ku jooga
dalkooda kuna dekeynaaya nimcada daayin ku mataystay dalkooda ee ah ta
taagan maanta.
Waxaa hubaal ah in bini'aadnuhu aad u illowshiiyo dhow yahay balse ay
waajib inagu tahay inaynu xusno illahayna denbi dhaaf u waydiino
mujaahidiintii xornimo u dirirka ee Ibrahim Jama kamid ahaa ee ku
geeriyootay dagaaladii xornima u dirirka. Kana dhiidhiiyey xaq
darradii,caga juglayntii, cadaadiskii, dilkii, dhacii, boobkii,kufsigii
lagula kacay shacbigeenna rayidka ahaa ee aan waxba galabsan.
Waxaanan ilaahay uga baryeynaa in eebbe u naxariistii janno ka waraabiyo
Muj. Ibrahim Jama Dhiif iyo intii kale naftooda u horay kuna shahiiday
dagaaladii xoraynta dalka. Waxaana Mujaahid Hallaqin iyo intii kale ee
halganka ku shahiideenba taariikhda ka galeen baal dahab ah oo ay xusi
doonto taariikhdu intuu noolyahay qof reer Maandeeq ahi.
Qore: C/Fataax.
Top
Madaxweyne Somaliland cidaan wax ku soo darsani ma... |
Waxaa cid walba xusuusan tahay shirkii Burco ee
ay u dhamaayeen dhamaan siyaasiyiinta iyo wax-garadka beelaha Somaliland,
laguna gaadhay go’aankii dhaxal-galka ahaa ee gooni-isutaaga Somaliland
1991-kii, mudadaas waxaa laga joogaa 12 sano, haddana waxaa jira gobolo
iyo degmooyin aanu ka hirgelin maamulka Somaliland meelahaas oo aan is
leeyahay dadkii shirka uga qaybgalay ayaan daacad ka ahayn go’aankii la
wada-qaatay. Waxaa kale oo aan is leeyahay madaxda golayaasha kaga jirta
ayaan iyaga laftoodu arrinkan aan daacad ka ahayn oo ku ogol degaankooda
inaanay ka hirgelin maamulka Somaliland haddii aan xaalku sidan ahayna oo
siyaasiyiinta xilalka qaran hayaa si daacad ah ugu hawlgalaan meelmarinta
go’aamadii shirkii Burco 1991-kii.
Way fududaan lahayd sida maamulka Somaliland uga hirgeli lahaa degaamadaas,
sidaa awgeed Madaxweyne waxaan kugula talin lahaa inaanad iskaga lumin
waqti ka badan 12-kaa sano adigoo og in ruug-cadaagii kaa horeeyay ee alle
haw naxariistee marxuum Cigaal-ba ku wareeray hanashada degaamadaa oo uu
ku bixin jiray kharashka ugu badan ee shilimada ay canshuurta ku bixiyaan
muwaadiniinta reer Somaliland ee qaatay go’aamadii Burco, dhistayna dawlad
wadaag ah. Soomaalidaa ku maahmaahda “meel aan lagaa rabin indhaha lalama
sii raaco.”
Anigu aragtidayda waxaan leeyahay Somaliland waa dad walaalo ah kana
dhexeeyo dal, dad iyo diin, gartayna inay la soo noqdaan gobonimadoodii
1960-kii luntay kuna dhistay dawlad qaran ah oo la yidhaa Jamhuuriyadda
Somaliland, taasoo talaabsatay. Sidaa awgeed, Somaliland uma baahna cid
kasta oo ka maaranta.
Madaxweyne waxaan marlabaad kugula talin lahaa inad xukuumadda cusub ee
aad dhisi doonto aanad ku soo darin cidaan Somaliland ku soo darsan dal
iyo dad toona kuwaaso an istaahiliin in la siiyo xil qaran ilayn meesha
waxba uma yaalaane.
Top
Akhristayaasha Sharafta leh waxaanu uga
cudur-daaranaynaa iyada oo ay is-weydaarteen magacyada iyo qaybaha ugu
dambeeya ee labada odhaahood ee kala (UDUB iyo KULMIYE-ba Waan Saluugay,
iyo Aabaha nabadu waa SNM iyo Dadweynaha) taas oo ku timid khalad madbici
ah sidaa daraadeed ayaan idiinku soo celinay, iyaga oo sax ahna waa kuwan.
Top
UDUB Iyo KULMIYE-ba Waan Saluugsanahay. |
Akhriste ineynu u heegan galno dalkeena oo aynu
hororiyo waraababa yur ka nidhaahno waa mid inagu waajib ah had iyo goor
hadh iyo habeen waa maandeeq oo kumanyaal dhalin aan midi ka curan loo
sadqeeyey, umullo loo dooxay, madi loo diley, hooyo ku goblentey, odey ku
indho beeley kolkuu ubaxii uu dugsanayey goor aan habeen aheyn maalina
aheyn lagu qadeeyey.
Soo dhaaf weynu dhacsaney ma dhacsade nin ii qabey ma dhul dhace ma ii
qirey, kubad ka fog, kaftan ka dheer, maxafsi kursina xaasha!!!!!!!!!, ma
ihi sarkaal, siyaasi, munaafaqa, biidhiqaate, afmiishaar, xisbi la
jiree(anoo xaq u leh midna kumaan biirin).
UDUB waan saluugsanahey oo waxaan ku saluugsanahey ragii federalka
fikirkoodu ahaa oo aan midi ka beydhin ayaa si heer qaran ah loogu
casuumey xisbiga si dadban iyo si toos ahba ilaa hadana qolada LONDON nala
joogta ee af duubtey xisbiga mey sheegin meel ay mabda’ii kaga
hadheen(ruuxa biniaadamka ahi wax wuu ismoodsiin karaa hadana wuu ka noqon
karaa).
Mudane C/raxmaan Axmed Calina isna meel uu kaga noqdey mabda’iisii maheyno,
waxaanu ognahey hadaanu reer London nahey in ilaa heer wasiir Somaliland
ah uu kulan halkan ku wada yeesheen ka hor intii aanu c/raxmaan u
ambabixin Somaliland, anigu waxaan aaminsanahey in umada Somaliland ay xaq
ugu leedahey hogaanka UDUB iyo SOMALILAND-ba iney cadeeeyaan mawqifkaas (Sakaaro
xaar muuqmuuqda ayey aas-aastaa).
xusuus, waxaan ahey nin ka xor ah qabiil iyo xisbi toona waa muwaadin
fikirkiisa cabiraya soona dhaweeynaya cidii ka duwan ama ku taageersan
labadaba Waxaan kaloon ku saluug sanahey urursiga qeyrul mas’uulka
welibana si dhafoor taabasho leh loogu dhiibayo xilalkii ugu mudnaa,
iyadoo maxafsi iyo cagajugleyn astaantii FAQASH ahi ay habeen iyo maalinba
soo siyaadeyso, sideebey u dhacdaa bandoo laga rogo HOOYO FOOLANEYSA
gaadhiga, ISMA DOORIN GAALKII AAN DIREY IYO DAARTA KAN GALEYE, hadii si
degdeg ah wax looga qaban waayo waxaa la isugu iman doonaa goobahaad ku
raaxeysataan ee darbiga jilicda sani ku meersan yahey, DALKA WAAN AQAANAA,
BAHAL IGA DA’ WEYNOO, DAD CUNNI MA JOOGE’E, HA IGU TUMIN DURBAANADA IYO
DAASADAHA MADHAN.
KULMIYE waan saluugsanhey oo waxaaan ku saluugsanahey maanta ugu horeysa
cadaalad daro ku dhacda iyaga, weliban ay tahey wax umad ka dhaxeeya ee
ayna aheyn dhaxal soo jireen ah, iyagoo og kana war haya in 12-kii sanno
ee la soo dhaafeyba umada ay cadaalad darada iyo dulmiga, dhaca hantidooda
dhaxal ma guurtada aheyd lagu hayey iyagoo og weelka ay cuntada ku
guranayeen inuu wada daldaloolo iyagoo og in maxkamdu ay tahey meesha
lagaaga tilmaamayo ninka sida fiican ugu dhaarta xoolaha xaqdarada ah ee
aanad laheyn ay ku badheedheen iney ku qori tuurtaan hadana afka la
buuraan ama ay shaki geliyaan wixii dulmigaas loogu adkeystey mudada dheer,
ku darsoo rag badan oo hor boodaya kulmiyana ay ka mid ahaayeen dhibaatada
(part and parcel of the proplem), waa la arkayaa waxa dhacey waana laga
wada dheregsan yahey ee ma kursigiina ayaanu u hawl galnaa hadaanu
bulshadii nahey mise idinkaa nala hawl gelli si aanu u helno cid na
matasha oo noo fadhiisata GOLAHA SHACBIGA IYO KA GUURTIDABA waxaanu
arkeynaa inaad tiina uun ku xiiqsan tihiin cidi kama hadleyso umadan
dhibaatadu daashatey, waxaan xasuustaa gabey uu tiriyey nin mujaahid ahaa
oo dhaawac ahaa oo diridhabe kula kulmey iyadoo lagu uleynayo naafadii
deganeyd xeradii snm-ta 1989 wuxuu yidhi intaan ka xasuusto:
Mujaahid hagaagsan; dalka u halgamaayey; rasaastu hilbeysey; halbowlaha
jiifto; indhaha mid hadoobtey; hagaag maqalkiisa; midey ham ka siiisey;
hanaanka dareenka; midey ka haleeysey; halyey gacma beeley; gidaarkaa u
hoyda; hoos loo dayi waayey; kolkuu hatigaada; hareera ka dhaafka; ku hawl
bixi waayey; afkuun ka hadlaaya; adoon budh xun haysta(xabashi); intuu
hidh yidhaahdo; higtaa kaga saarey; ilmada ka hiqleysey; hugiisana qoysey;
hamuunta iyo ciilka; hogaanka xafiiskan; intii la halmaasha; mid hoos
gabgableeya; xumaan u horseeda; halganka iyo jihaadka; intaanad hilmaamin;
mid haanka ku jiidin; ka haajir agtooda; ayaa ka hagaagsan; hogooda
nijaaskan; hortooda u daaya( caydiid faroole).
Waxaan uga socdaa akhristoow weynu soo halganey maantana ineynu halgano
ayaa la inaga sugayaa, xaalku maaha nin ku ordaaya kursi oo doonayo inuu u
cunno sida kuwa fadhiyaa ay u cunayaan iyo mid ka difaacanaya oo isna guri
iyo bussines ay qabyo ka yihiin ineynu ugu kala hiilino, kanaa wax ina
taraya waa riyo ayey ila tahey ma arag mana maqal meel ay khaasatan
labadaas xisbi kaga hadlayaan baahida umada heysta ee ragaadisey
dhinacyada waxbarshada iyo caafimaadka, biyaha.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa waxaan loo dhibtoon lama hello sideynu ugu
dhibtooney xoreyntii ayey tahey ineynu ogolaano ineynu ugu dhibtoono
qotominteeda xag cadaaladeed, horumarineed, waxbarsho, caafimaad,
gargaarka kuwa jilicda san, ictiraaf( uma arko inuu daruuri yahey waayo?
Intii ka horeysey ee aynu gacanta ku heysaneyba meynu hagaajin wellibana
ICTIRAAFKU haduu yimaado waxaan deyn aheyn ma soo kordhineyso oo welliba
ku dhacda jeeb shaqsi ninka manta ka xishoon waayey xoolo umadeed ee gurri
iyo ganacsi ka hirgeliyey ama zoo ka sameystey maaha 1,2,3,4,5 waa 98%
nimankii xukunka soo marey ilaa kuwa hada haya kuwa ku soo socdaana waa
iyagii oo shaadh kale soo xidhey intooda badani ninkii ka filaaya inuu
berri ka xishoodow gudcurbaad gudeysaa ee tooss).
ISMAIL M. GADIID
Top
Aabaha Nabadu Waa SNM iyo Dadweynaha. |
Somaliland waxay ku faantaa nabadgelyada taasoo
noqotay wax lagu faano Ka dib markii Soomaalidii koonfureed iyo
Ururadoodii sameeyeen waxaan bini,aadam diin iyo damiir lihi ku kicin.
Hadaba waxaa haboon in aan isweydiino dhowr suaalood:
YAA SUURTAGELIYEY NABADGELYADA SOMALILAND?
Ma Dadweynahaa keenay?
Ma Ururkii SNM?
Odayaasha iyo Guurtida?
Xukuumad?
Sidee Loo Ilaalin Ama Loo Adkayn Karaa Nabadgelyada Iyo Horumarka Ay
Wadato? Yaa Khatar Ku Ah Nabadgelyada?
Waxaan qabaa in aabbaha nabadu ahaa dadweynaha oo u hagarbaxay iyo Ururkii
SNM oo is hortaagay inuu bilaabmo dagaal qabiil islamarkaana taladii iyo
hubkii dadka ku wareejiyey taasoo keentay in nabadgelyadu si fudud u
hirgasho, maxaa dhici lahaa haddii SNM yeesho sidii USC oo ay xukunka
jeclaystaan kuna dagaalamaan ama dadweynuhu u hagarbixiwaayo? Xagayse
Guurtida libta nabadgelyada isa siisaa wax ka tari lahayd ama ka qaban
lahayd. Jawaabtu waa waxba kama duwanaadeen Guurtida Soomaalida koonfureed.
Nabadgelyada waxaa lagu ilaaliyaa ama lagu adkeeyaa Cadaalad dadka oo dhan
wadagaadha (cadaaladu waa shayga keliya ee sugi kara amaanka bulsho iyo
horumarkeeda), ciidan iyo xoogkasta oo la isticmaalaa waxba ma hagaajin
karo iyadoo tusaalaha inoogu filan yahay ciidankii Soomaaliyeed sidii ugu
guulaysan waayey inuu cabudhiyo kacdoonkii dadka. Ciidamo farabadan,
baadhitaan iyo dad la xidh xidho sida naga soo gaadhaysa Hargeysa
ayaamahan dambe waxaan dhibaato iyo xumaan ahayn ma kordhinayso. Waxay
ahayd in Mudane Daahir Riyaale waayo aragnimo ka helo wixii ku dhacay
xukuumadii keligii taliska ee uu ka tirsanaa iyo ciidamadeedii faraha
badnaa.
Waxaa muuqata in Somaliland kasoo samaysmayaan labo kooxood oo siyaasadeed:
Koox U Badan Snm Ama Halgamayaashii.
Koox U taliskii hore (Talada Haysa).
Waxaan qabaa in kooxda talada haysa khatar ku tahay Nabadgelyada,
Horumarka iyo jiritaanka Somaliland waayo waxay soo barteen habkeliya oo
ah kii keenay burburkii Soomaaliweyn halkaasna kala geeyey. Waa habkii ku
salaysnaa sidaad kursigaaga u ilaashataa ee aan ku fadhiyin danta dadka
iyo runta.
Tusaale sanad ka hor waxaa laga hadlayey sidii maamul xoogan loo dhisi
lahaa goboladda bari khilaafaadka jirana loo dhamayn lahaa waxaan ognahay
in indhaweyd xuduudku ahaa togdheer oo aan Buuhoodle ku jirin, 18 May
markii Burco u dabaal degi weyday maalintii Gooni-isutaaga waxaa inoo
cadaatay in xuduudkii Burco soo dhaafayo, maantana Hargeysa ayaa
wadooyinkeeda la baadhayaa, habkaasi waa habkii aabihii Faqashtu Siyaad
Barre Dalka kaga baxay sidii maalinba gobol u waayayey aakhirkiina Xamar
wadooyinkeeda ayuu difaac ka xidhay.
Waxaan kooxda talada haysa ee Daahir Riyaale Hormuudka u yahay u sheegayaa
in wixii aan aabeheen Siyaad Barre ka dhaxalay aanay soconay sida Hargeysa
oo xabadu ka dhacayso laguna kala qaxay aan warka ku diri jiray waxaa ka
socda Ciyaarihii gobolada, aan ku xukumee hayla hadlin, aan qaatee hay
eegin.
Waa inaad cadaysaan in aad Sool iyo Sanaag ku guuldaraysateen dib dambena
aydaan waxba uga qaban Karin, idinkoo dagaalka abuura oo indhaha dadka
iskaga sii jeediya Somaliland nabadgelyadeediina u dhameeya maahee.
Waa inaad cadaysaan isbedelka ku yimid Siyaasadii Arimaha Dibada.
Waa inaad sharaxdaan saamaynta uu inagu yeelanayo shirka Soomaalida ee
Kenya ka socda iyo waxaad kaga gaashaamateen.
Ugu dambeyn Madaxweyne Riyaale waa inaad qirataa in aad ku guuldaraysatay
labadaadii balanqaad ee maalintii Cigaal geeriyooday ee xilka lagugu
wareejinayey aad balanqaaday kuwaas oo ahaa, Maamulka Gobolada Bari iyo
Cadaalada.
Marka Faqash la soo hadal qaado waxaa dhegaha taaga oo soo booda Beelaha
Sool iyo Awdal oo anigu ka soo jeedo laakiin Beesha Isaaqa ayaa ugu Faqash
badan iyagoo qayb libaax ka ahaa waxkasta oo lagu joojinayey kacdoonkii,
waxay ahaayeen nooca ugu cadowsan,Soomaali kama maarmi karaan, marka
Faqash la soo hadal qaadana waxay u fasilaan in Beelaha geesaha loola
jeedo si ay ugu dhuuntaan, Faqashtii Isaaq waxay dhexgaleen dadka waxayna
sheegteen halgamayaal aanay geedna ugu soo gaban.
Osman Qawdhan Warsame, Norway.
Top
Beenin: Wasiirka arimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddiga
joogtada ah ee guurtida oo si kulul u beeniyey war Haatuf ku soo baxay. |
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka arimaha gudaha
Somaliland, Eng: Ismaaciil Cismaan Aadan ayaa si kulul u beeniyey war ku
soo baxay wargeyska Haatuf, warkaas oo wargeyska ku soo baxay cadadkiisii
shalay waxa uu ku saabsanaa warbixin uu wasiirku siiyey guddiga joogtada
ah ee golaha guurtida, kana hadlayey xaaladda abniga dalka, iyadoo uu
wargeysku wax ka taataabtay armihii ay labada dhinac, isla markaana waxa
uu wargeysku xusay waxyaalo ku saabsan dhinaca ciidamada, laakiin wasiirka
daakhiligu waxa uu warkaa ku tilmaamay war been abuur ah oo aan sal iyo
raad toona lahayn. Sidoo kale waxa warkan isna sidaas si le’eg u beeniyey
gudoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha guurtida, Maxamed Gaaxnuug
Jaamac (Boosh-cadde).
Wasiirka daakhiliga, Eng. Ismaaciil Cismaan Aadan waxa uu arintaa kaga
hadlay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay madaxtooyada, iyadoo ay shirkaa
jaraa’id goob-joog ahaayeen wasiirka gaashaandhigga iyo labada taliye
ciidan (Booliska iyo milateriga), laakiin wasiirku waxa uu hadalkiisa ku
bilaabay “ Waxaan doonayaa inaan jawaab ka bixiyo maqaal maanta ku soo
baxay Haatuf oo ku saabsanaa shir albaabadu u xidhan yihiin oo aan anigu
la yeeshay guddiga joogtada ah ee wakiilada, laakiin shirkaa oo ay
albaabadu noo xidhnaayeen waxa la yaab leh waxa Haatuf lagu qoray,
waxyaalahaas oo ay ka mid ahaayeen inay qolooyinkii ayaantii dhowayd
dhaamka galay ay isku hallaynayeen ciidamada qaranka oo ay xidhiidh la
leeyihiin iyo waxyaalo la mid ah, waxaase yaabku yahay ma garran karo
halka ay Haatuf ka keentay wararkan, waayo may jirrin wax saxaafad ah oo
nala joogay, markaa taa iyaga ayaa caddayn doona warkaa halka ay ka heleen,
laakiin warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, shirkaasina kuma
saabsanayn wax ciidamada khuseeya ee waxa uu khuseeyey arimaha
nabadgelyada, khaasatan shilkii yaraa ee dharaartii dhowayd ee inamadii
yaryaraa ee qayral masuuliyiinta ahaa ee laagta galay, oo ay odaytinimo
iiga waraysanayeen guurtidu, aniguna waan uga waramay, waxaadse moodaa
jaraa’idku inay caado ka dhigtaan inay dhiiri geliyaan wararka xagga
mucaaradka ka yimaadda ee aan salka iyo raadka toona lahayn, sidaa awgeed
shirkaa laguma soo qaadin ciidamo qaran ee waxa lagaga wada hadlayey
hawlaha nabadgelyada, inamada yaryar ee meesha galay, iyo xaaladoodu waxa
ay ku dambaysay, kuwa xidh-xidhan iyo wixii dambe waxa laga yeelayo,
arintaasna waxaanu u gud-binaynaa hayadaha sharciga inay talaabo ka
qaadaan warkaa beenta ah ee qaranka duminaya ee salka iyo raadka toona
lahayn”ayuu wasiirku kaga baxay hadalkiisa ku saabsan warka Haatuf ku soo
baxay ee uu beeninayey, laakiin waxa kale oo uu ka hadlay arin doraad tii
ka horaysay dhacday oo ku saabsan ciidamo booliska ah oo weeraray guriga
uu degan yahay wasiiru-dawlaha maaliyadda Somaliland, Nuux Sheekh, wuxuuna
isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi “Hadii aanu u soo noqday war uu qoray
joornaalka Jamhuuriya oo ay leeyihiin ciidanka booliska oo xoog ku galay
guriga wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo maqaal uu qoray nin mujaahid ah oo
la yidhaahdo Cali Guray oo yidhi yaabka yaabkii xataa xiligii Siyaad Barre
may dhicin tan oo kale wasiir ciidan ku weerar wasiir kale, taana waxaan
doonayaa inaan halkan ka cadaynayaa sidii ay ahayd, anigana telefoono
badan la ii soo diray, waxayna ku fiican tahay saxaafaddu marka ay waxan
oo kale oo qorayso inay waraystaan wasiirada ay waxani khuseeyaan, laakiin
hadii aan arintaa warbixin yar idinka siiyo, horta markii ay dhacday
hawshii nabadgelya darada ahayd mar baanu shir ka wada qaadanay jananka
booliska iyo saraakiishiisa, waxaanuna isku baraarujinay inay wixii
nabadgelyadaro wada talaabo ka qaadaan, sidaas ayeyn boolisku ugu madax
banaan yihiin inay qabtaan wixii faldembiyeed ku jira, ta kale Nuux lama
garanayn inuu wasiir yahay, cidda garan kartaa waa cid aniga da’dayda ah
oo Hargeysadii hore ah, waayo markii uu iskuulka dhamaystay ayuu Carabta u
dhoofay oo shaqo tegay, ta labaad boolisku markii ay guriga tegayeen may
aqoon inuu gurigu kii Nuux yahay, isla markaana markii ay guriga tageen
Nuux ma joogin, mar saddexaadka sababta ay boolisku guriga u tageen waxay
ahayd afar inan oo ka mid ah kuwii hawl-galka ka sameeyey laagtaa, afarta
inanna may ahayn kuwo uu Nuux fal-dembiyeedka kula jiray ama uu qarinayey,
ee waxay ahaayeen kuwo uu u yeedhay si uu ugala hadlo arimahan, laakiin
nasiib daro boolisku lama socon taa, aniga oo wasiirkii arimaha gudaha
ahina lamaan socon, hadii aan anigu la socon lahaana booliska ayaan
ogaysiin lahaa, laakiin boolisku markii ay wasiirka meesha ugu tageena
waxay waydiisteen inuu inamada gacanta ka geliyo, waxayna ahayd wasiirku
inuu inamada booliska gacanta ka geliyo, runtiise wasiirku waxa uu ka
xanaaqay booliska meesha soo galay, balse booliskii sidaas ayey meeshii
kaga joogsadeen, qisadaasi sidaas ayey u dhacday, laakiin maqaalka uu
qoray Cali Guray, runtii nin mujaahid ah oo aad u wanaagsan buu ahaa ma
garran karo waxa fudaydka intaa le’eg u geystay, waayo anigu haba yaraatee
manaba aan ogayn booliska, waayo boolisku shaqadooda aniga igalama
tashanayaan ee hawshooda nabadgelyo way u madax banaan yihiin, markaa
anigu booliska uma dirin guriga wasiirka, mana aan weerarin guriga
wasiirka, waanse ka xumahay inuu mujaahidku waxyaalaha noocaas ah ku hadlo,
laakiin Kulmiye ayuu ku jiraaye malaa mucaaradadda ayuun buu is leeyahay
intanaa wasiirka dab ku sii shiddi kartee ku sii kordhin, waxaanse idiin
caddaynayaa inaanay wax xumaan ahi na dhex oolin wasiirka, mana aan
weerarin, arinta nabadgelyadana waxa iska leh wasaaradda arimaha gudaha oo
uu booliskuna hoos yimaaddo”.
Wasiirka daakhiliga mar la waydiiyey su’aal ku saabsan arinta dadka la
qabqabanayaa inay tahay arin xaalad abuur ah oo ay wasiirada qaar
samaynayaan waxa uu ku jawaabay “Waxyaabaha caynkaas ahi waa waxyaabaha ay
saxaafaddu caadaysatay inay fidiso iyo mucaaradku, balse anigu hadii aan
ciidamo abaabulo ama rabshado sameeyey inaanu madaxweynuhu igaga baqayn
xaalad buu abuurayaa ee xilka ha hayo waxaan filayaa inaanu ilaahayna igu
daynayn, taana lagu joojinayn, ninkasta oo uu wasiir ahina waxa uu
abaalkiisa ku helayaa wixii uu qaranka u qabto”.
Wasiirka daakhiligu mar kale isaga oo ka hadlaya arinta ciidamada ee uu
wargeysku ka hadlay waxa uu yidhi “suuqa ayaanu ka maqlaynay ciidamadu
iyaga oo jooga Caynaba inay rag mucaaradka ahi lahaayeen ciidamada anaga
ayaa u yeedhnay oo way imanayaan, waxyaalahaasina waa waxyaalaha abuuraya
nabadgelyo darada, qarankana wax yeelaya, sida ay Haatuf qortay, iyadoo
aanu Haatuf sharciga marinayno”.
Taliyaha ciidanka booliska C/qaadir ayaa isna tirada dadka ee ilaa hadda
la xidhxidhay ku tilmaamay 11 qof, isaga oo sheegay inay socoto baadhis
lagu baadhayo, balse taliyaha mar la waydiiyey inay hayaan wax cadayn ah
oo dembi oo dadka xidh-xidhan ku saabsan waxa uu ku jawaabay “Horta
baadhis baa socota, marka ay baadhistu socotana dee la odhan maayo hebel
dembi baa lagu hayaa, hebel-na dembi laguma hayo, baadhista ayaana sheegi
doonta hadii ay ciddi ka dambayso”.
Waxa jira warar sheegaya inaan saddexdii bilood ee u dambeeyey ciidanka
qaranka wax mushahar ah la siin, sidoo kale waxa iyagana la hadal hayey
cutub ka tirsan ciidanka qaranka oo ka soo guuray jiidda tuulada Oog oo
iskood u soo guuray, laakiin taliyaha ciidanka qaranka, C/semed oo taa ka
jawaabaya ayaa yidhi “Horta arinta ah ciidanku saddex bilood mushahar ma
qaadan waxba kama jiraan ee bil walba way qaataan, weliba ciidamada Oog
iyo Ceel-afweyn jooga bisha shan iyo tobankeeda ayaanu siinaa, ciidanka
Oog ka yimina anaga ayaa soo rarnay oo amarka ay ku soo guureen siinay”.
Taliyaha ciidanka qaranka, C/semed mar la waydiiyey inay ciidamadu wax
mushahar ah leeyihiin waxa uu ku adkaystay inaanay wax mushahar ah hadda
ku lahayn.
Dhinaca kalena gudoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha guurtida, Maxamed
Gaax-nuug Jaamac ayaa isla shalay soo saaray war-saxaafadeed kooban oo uu
ku beeninayo warka uu wargeyska Haatuf daabacay, wuxuuna war-saxaafadeedkaasi
u qornaa sidan:
“Aniga oo tixraacaya war ku soo baxay wargeyska Haatuf tirsigiisii 339,
Axad May,25, 2003, waxa aanu beeninaynaa warkaas oo aan sal iyo raad toona
lahayn. Wasiirka arimaha guduhuna warbixin naguma siin in wax dhaqdhaqaaq
milateri ah oo xukuumadda ka dhan ahi ka jiro xeryaha milateriga iyo qaybo
dhaqdhaqaaqyadaa ciidan ka mid ahi gooni uga baxeen magaalada, kuwaasoo
taageero ka haysta qaybo ka mid ah ciidamada qaranka, isla markaana ay
maalin walba cidi ku biirto oo aanay boolisku waxba ka qaban karayn. Waxa
wax lala yaabo in marka uu jaraa’idku uu leeyahay gobolada qaar waxa ka
jira gadood ciidan iyo amar-diido iyo in dalka xukun degdeg ah lagu soo
rogayo, balse warkaasi waa barobagaando siyaasadaysan oo uu jaraa’idku
iska mala-awaalay, danta uu ka leeyahayna aanaan garanayn, waxna uu ku
yeelayo nabadgelyada dalka, waxaanu hayadaha ay khusayso ku war gelinaynaa
inay ka sal gaadhaan baadhista halka uu warkaasi ka soo baxay, talaabo
sharci ahna laga qaado cidda uu ka soo baxay warkan been abuurka ahi, isla
markaana waxannu dadweynaha u sheegaynaa inay nabadgelyadooda ilaashadaan
oo aanay dheg u dhigin warkasta oo nabadgelyada wax yeelaya”.ayuu ku soo
xidhay qoraalkiisa, laakiin qoraalkaas oo si raf ah u qornaa waxa ku
saxeexan Maxamed Gaaxnuug Jaamac, laakiin inkasta uu yahay gudoomiyaha
guddiga joogtada ah, hadana waxa uu qoraalkan ku saxeexay inuu yahay
gudoomiyaha golaha guurtida.
Top
JILBO-DHIIG: Waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A.
Ducaale. |
Xayaad markii ay cusbataalka ka baxday, iyada oo naafo ah ayey reerkoodii
ku yidhaahdeen aynu hadaba tagno oo xagaa iyo London qabano, laakiin
markii ay Xayaad waalidkeed sidaa u soo jeediyeen ayey Xayaad dantu ku
khasabtay inay arinteeda uga waranto waalidkeed, dabadeedna waxay u
sheegtay aabeheed iyo hooyadeed inay wiilka ay cusbataalka ku wada jireen
ee gaadhigu la wada dhacay ay doonayaan inay is guursadaan, taasna ay
heshiis ku yihiin, iyada oo tidhi “Aabe iyo hooyo wiilka aanu cusbataalka
ku wada jirnay ee gaadhigu nala wada dhacay oo magaciisa la yidhaahdo
Biixi waxaanu heshiis ku nahay inaanu isguursano, taasna waxaan doonayey
inaan idinla socod siiyo, iminkana waxaanu doonaynay inaanu arintaa fulino
ee waxa naga soo dhexgalay shilkan baabuur ee nala kulmay”.
Dabadeed waxay labadii waalid ku jawaabeen “Gabadhayadiiyey ma adiga oo
aan nala tashan ayaad iska go’aansatay inaad guursato”, hadana Xayaad
waxay ku jawaabtay “Aabe iyo hooyo inkasta oo aanan hore idiinla socod
siin, hadda ayaan doonayey inaan idinla socod siiyo, laakiin waxaan idinka
codsanayaa maanta in tayda lay daayo, maadaama aan markii hore talada
idinka idiin daayey maanta aniga ii daaya oo wiilkaa ayaan doonayaa inaan
mustaqbalkayga ku aamino ee iigu duceeya”, ka dibna waxay labadii waalid
gooni ayey u faqeen, waxayna iswaydiiyeen maxaynu yeelnaa, balse markii ay
rog-rogeen waxay go’aansadeen inay gabadhooda ugu duceeyaan wiilka ay soo
arkootay, ka dibna waxay ku yidhaahdeen “Gabadhayadiiyeey waanu kuugu
ducaynay wiilka aad soo arkootay”.
Intaa markii ay isdhaafsadeen Xayaad iyo labadeedii waalid Xayaad waxay u
tagtay Biixi, waxayna ku tidhi “Biixiyo walaal labadaydii waalid waanu is
aragnay, ka dibna waanu is afgaranay, waxayna igu yidhaahdaan waanu kuugu
ducaynay wiilka aad soo arkootay, markaa maxaynu yeelnaa”. Biixi waxa uu
markaa ku jawaabay “Markaa waa inaynu labada waalid iswaafajinaa oo ay
arinta ka wada hadlaan”.
Dabadeedna Biixi waxa uu u tegay aabihii iyo hooyadii, wuxuuna ku yidhi
“Aabe iyo hooyo waxaan doonayaa inaad Xayaad waalidkeed is aragtaan
maadaama ay joogaan oo arinta guurkayaga ka wada hadashaan”.
Ka dibna waxay ugu jawaabeen waayahay waanu is arkaynaa, waayo taasina waa
daruuri”. Sidaa darteed maalintii dambe ayuu Biixi aabihii oo dhawr oday
oo kale wata, Biixina uu la socdo ay qaabileen Xayaad aabeheed oo isna
dhawr oday wata, dabadeedna arintii ay badka la soo dhigay, waxayna
qoladii Biixi yidhaahdeen “Idiinkuma aanu yeedhin ee waxaanu idiinku
yeedhnay arin currad ah oo sideenan oo kale laysku soo horfadhiisan jiray,
taas oo ah wiilka halkan fadhiya (Biixi) oo doonaya gabadha Xayaad la
yidhaahdo inuu guursado, arintaasna labada dhalinyarada ahi way isla
ogolyihiin, sidaa darteed maanta waxaanu doonaynaa inaynu isugu ducayno,
iyadoo aanu dhinacayagu diyaar u nahay milgihii ay tan oo kale lahaan
jirtay”, iyaga oo intaa raaciyey “Gabadhana noo meheriya gacalow idinka oo
aan waxba nagu xidhin”.
Qoladii dhinaca gabadha ka socotay ayaa iyaguna hadalka u baxay, waxayna
yidhaahdeen “Arinta aad ku tiraabteen waa tii lays odhan jiray, waana wax
wanaagsan, markaa anaguna dhinacayaga wiilkii iyo gabadhii waanu isugu
ducaynay, gabadhiina waanu idiin meherinaynaa”.
Dabadeedna labadii waalid hawraarsan iyo gudoon ayey isla qaateen, isla
markaana goobtii ayaa la isugu meheriyey Biixi iyo Xayaad, laakiin markii
ay intaasi dhacday, waxay hadana mar kale doodi ka abuurrantay meesha uu
aroosku ka dhacayo, taas oo ay labada waalid ku kala aragti duwanaadeen.
La soco.Top
|