27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Hilaaciyeen
Burco. ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Technologiyada Aduunka Iyo Heerka Somaliland Kaga
Jirto.
Karis Xun Iyana Wax Ku La’.
Suaalo Jawaab u Baahan.
Yaan Laga Leexan Siyaasaddii Ruug Cadaagii Cigaal.
Libta Ninkii Keenay La Ogyahay Ninkii Doonaa Ha Sheegto.
|
|
27-Ka May:
15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Hilaaciyeen Burco. |
27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo
Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Hilaaciyeen Burco.
27 May 1988 oo ay maanta ku beegnayd 15 guuradeedii, waxay ahayd maalin
xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Reer-somaliland, gaar ahaanna dadka
Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah
dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo
ka tirsan ciimadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood
gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Ba rre salaad hore
guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo
ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad
Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi
Siyaasadeed cusub iyo xaalado milateri oo hor leh oo ka aloos-may
mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo
Somaliya.
Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo
kale oo ciimadii SNM ahi weeraro milateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen
gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale.
Weeraradaa milateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha
magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah,
waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala
talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii soomaaliyeed iyo Itoobiya ay isla
gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii
ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii
Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii
Mingistu Haile Mariam-na taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula
jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaalihii ay
labada talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro
jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii
milateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi
waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u adag iyo mawqif xaraj ah,
taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi
keentay inuu ururka SNM qaato mawqif xaraj ah, taas oo uu hogaankii ururka
SNM go’aansaday wax lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada
dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu
madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya
saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre
ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya.
Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku
galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa
goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii
Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay
amakaag iyo qaadan-waa.
Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn
ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii
milateri ee gaaskii ciimadii taliskii Siyad Barre ee fadhiyey jiidaha
gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco,ee gaaskii Qaybdiid la
odhan jiray, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka
SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah.
Ciidamadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj:
Axmed Mire Maxamed, iyadoo ay talayayaashii ku xigayna kala ahaayeen
labada Marxuum: Aadan Saleebaan iyo Xuseen Axmed (Xuseen kharash-yare).
Laakiin nooma ay suurta gelin inaanu la kulano Muj: Axmed Mire oo aanu
kala sheekaysano xaaladdaa, isaga oo dalka ka maqan darteed. Haseyeeshee
waxaanu dhacdadaa kala sheekaysanay Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid
ahaa hogaamiyayaashii sar-sare ururka SNM, gaar ahaan garabkii milateri,
gaar ahaanna waqtigaa ka mid ahaa guddigii dagaalka ee loo xil saaray
hawl-galkaa, madaxna ka ahaa saldhigii Itoobiya ee ay ka soo dhaqaaqeen
ciimadii Burco galay.
Sidoo kale waxaanu isna marxaladaa iyo sidii ay u saamaysay ururka SNM iyo
sababta ay u qaateen mawqifka xarajka ah kala sheekaysanay sanadkii hore,
xuskii munaasabadan 27-ka May, Muj: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo
markaa ahaa Gudoomiyihii ururka SNM,ahaana Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa
ee soo mara hogaaminta SNM, isaga oo xilka Gudoomiyaha ururka SNM hayey
muddo 6 sannadood ah.
“Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka
mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay
dib ugu guuraan gudaha Itoobiya, taasna waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab
ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku
daray “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii
ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii
sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii
fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii
ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal
ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha”.
Muj: Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo
sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii ay ahayd isu dhiganka cududda labadii
Ciidan ee SNM iyo ciimadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu
yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyey oo kala ahaa aagga
galbeed iyo aagga bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay
ciimadii SNM ee weeraray aagga Cadaadley oo uu hogaaminayey Muj: Xuseen
dheere ay ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa
taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM-na waxay tiradiisu
ahayd ilaa 1200 oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah,
labo qori oo suugag ah, 6 qori oo siikow ah ,islamarkaana ciidanka umaanu
hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka
go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad
eeSiyaad Barre ee Burco fadhiyey ay ka koobnaayeen 4guuto oo ciidanka
dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah, urur
PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo tangiyo u ahaa tayo iyo moral,
waxaanuna hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid
Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo na gaadhay waxa ka weynaa
khasaarihii gaadhay ciimadii taliskii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”.
Muj. Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u
ekayd maalmihii la qaadanayey go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi
“Runtii xaalad adag iyo go’aan adag ayey ahayd, laakiin waqtigaa ururka
SNM wuu u bislaa inuu qato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo milateri
ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.
Axmed Maxamed (Siilaanyo) waxa aanu isna ugu horayn waydiinay waraysi aanu
la yeelanay sanadkii hore, munaasibadan 27-ka May, sababta ku keliftay
go’aanka is-miidaaminta ah wuxuuna ku jawaabay “Markii ay heshiiska
gaadheen dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre waxaanu u aragnay inuu
halgankii oo waqtigaa meel fiican marayey sidaa ku baaba’ayo haddii aanaan
go’aan adag qaadan, dabadeedna waxaanu go’aansanay in sidaa la yeelo’.
Axmed-siilaanyo mar la waydiiyey sidii uu ururka SNM u saameeyey go’aankii
ay isla gaadheen talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre iyo sidii ay markii
dambe urur ahaan u go’aan qaateen waxa uu ku jawaabay “Runtii markii hore
waxa uu heshiiskaasi nagu keenay niyad-jab weyn, waxaase lagama maarmaan
noqotay inaanu go’aan adag qaadano, ka dibna waxa uu markii hore hagaankii
sare ee ururku ku tashaday magaalada Dirir-dhabe, markii dambena waxaanu
isugu nimi magaalada Dhoobo-guduud, halkaas oo aanu ku tashanay, kuna
samaynay guddigii dagaalka, wuxuuna hawlgalkii u horeeyay 27may ka
bilaabmay magaalada Burco ,maalintaana si aan niyadda ugu dhiso dadkii
halganka ku jiray waxaan ka hadlay BBC-da oo waxaan idhi dawladuhu hadi ay
doonaan ha heshiyeen, laakiin anagu waanu wadaynaa halgankayaga ilaa inta
ay jiraan wixii aanu ka dagaalamaynay”.
Axmed-Siilaanyo, isaga oo tilmaamaya natiijadii ka soo baxday Go’aankii
xarajka ahaa ee ay qaateen waxa uu yidhi “ Waxaan odhan karaa maalintaasi
waxay ahayd maalintii uu nidaamkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre
dhabarka ka jabay, SNM-na waxay hawlgalkaa ka gaadhay guul-weyn, waxayna
ka heshay taqo iyo awood ballaadhan”.
Marka laga hadlayo go’aankii ururka SNM ee gudogalkii dabayaaqadii bishii
may 1988 waxa mararka qaarkood la sheegaa in ay arintaa isku khilaaafeen
hogaankii milateri iyo hogaankii Siyaasadda ee SNM , taas oo la yidhaahdo
hogaankii siyaasaddu kama raali ahayn in sidaa la yeelo, laakiin Maxamed
Kaahin oo aanu arintaa waydiinay wax uu ku jawaabay “ Dabcan markii laga
doodayey qaabka loo fulinayo hawl-galka waa lagu kala aragti duwanaa
qaabka loo dhigayo,laakiin go’aankii kama dambaysta ahaa waxa uu ahaa
go’aan wadajir ah oo ay u dhan yihiin hogaankii siyaasiga ahaa iyo
hogaankii Ciidan-ba oo ilaa gudoomiyhii ururka waxa la isugu yimi jiidda
hore ee dagaalka ,magaalada Dhoobo-guduud, la iskumana khilaafsanayn
go’aankaa”.
Axmed-Siilanyo oo isna la waydiiyey arintaa waxa uu ku jawaabay “Waxa
jirtay farsamo Siyaasadeed oo aad u heer saraysay oo aanu talada ku
darsanay, taas oo ahayd inaanu nidhaahno hogaankayagu ma ogayn arintaa ee
ciimadaa sameeyey, taas ayaa mararka qaarkood loo turjumaa in la isku
khilaafsanaa hawlgalka, taasina may jirin ee hogaanka ururku arinta wuu
isku raacsanaa, aniga oo gudoomiyhii ururka ahaana waxaan imi labada
aag-ba waana saxeexay go’aanka dagaalka, waxaana la isku raacsanaa oo la
lahaa ma jiro jaanis kale oo inoo furani”.
Qaybo kale oo ku saabsan munaasibadan guda-galkii SNM ee Burco, iyo
dhacdooyinkii la xidhiidhay waxaanu idiinku soo gudbin doonaa cadadyada
soo socda.Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Technologiyada Aduunka Iyo Heerka Somaliland Kaga Jirto. |
Dalka somaliland ayaa ah mid ay aad uga muuqato
waxa caalamka maanta kala wada ee technologiyada[TECHNOLOGY],taas oo ay
somaliland ku kasbatay in ay kaga hormarto dalal badan oo africa
ah.Somaliland oo ah jamhuuriyad maanta ka dhex muuqata dalalka africa ayaa
waxaa aad u saameeyey horumar[developement]ah xag telefons ka iyo weliba
xaga internet ka oo aanay gaadhin dalal badan oo aduunka ka mida.
Dhinaca kale waxa jira in dalka somaliland ay dadkiisa qurba joogta ahi ay
u soo jeedsadeen sidii dalkooda ay u horumarin lahaayeen taas oo muujisay
in dalku yeesho hotels ka loo yaqaan 5 stars ka iyo weliba nolol lagu soo
hirto,Dhinaca dowlada somaliland ayaa sida muuqata 9 kii sanadood ee la
soo dhaafay qabatay waxyaabo muhiima,iyada oo dhinacna dhaliil lagaga
sameeyo,laakiin si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in dalka somaliland uu
aad ula socdo amaba ka dhex muuqdo aduunweynaha iyo heerka ay ka gaadheen
technologiyada.
Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta waxyaabaha lagu amaano ay ka mid
yihiin nabada iyo qaabka doorashada ay u dhacday iyo weliba heerka
technologiyada ay ka gaadhay,laakiin runtu waa in la hirgeliyo meelo lagu
barto maadooyinka kobciya horumarka dal iyo weliba in jaamacadaha dalka ay
dowladu u sameeso hay'ad u qaabilsan horumarintooda.
Dowlada somaliland waxaan u soo jeedin lahaa in dalka xaga shaqo siinta la
kobciyo iyo weliba wax barashada sare [jaamacadaha ]waayo beri generation
ka soo socda weeye halkay wax kabaran lahaayeen,dadka somaliland ayaa u
raadsada asia amaba europe wax barasho iyada oo dalkooda jaamacado
kuyaalaan.
isku soo gunaanad oo waxaa muuqata in somaliland riyadeedii run noqotay oo
ay hadhay hal riyo oo keliya oo ah ictiraafka kaasna aan laga baryeen
caalamka ee ay si khasaba nagu siin doonaan,riyada rumoowday oo ah in
somaliland maanta gaadhay heer ka caalmaka oo aanay u baahneen wax
caawimaada iyo weliba gaahday technologiyad da caalamka ee xidhiidhka.
waxaa qoray: ABDULFATAH SHEIKH OMER ARALE.
ARALEVIP2hotmail.com, Madras, INDIA.
Top
Karis Xun Iyana Wax Ku La’. |
Waxaad mooda sida dadweynaha qaar u dhaqmayaan
in laba dal oo Soomaalilanad ihi jiraan. Waxaad arkaysaa dad u arka inay
jiraan laba dal oo Udub iyo Kulmiye kala xukumaan. Waxaad si gaar ah u
arkaysa rag Udub ah oo ciddii ay Kulmiye u arkaan ku leh 'Lagaa bedi ee is
dhiib' iyoo waxaanu eryi doonaa hebel iyo hebel. Waxaad moodaa inay
dhammaan yihiin madaxweynayaal. Ma oga in dalku mid qudha yahay oo haddii
uu xumaadana dhammaan inaga xumaanaayao, hadduu hagaagana inoo wado
hagaagay. Udub iyo Kulmiye midna keli uma leh.
Nin aanu saaxiib nahay oo igala hadhi waayey: lagaa bedi oo qosol iyo
dheel dheel la socdo, ayaan ugu jawaabay "Karis xun iyana wax ku la'".
Hadalkii wuu qaatay dibna dheeldheel iilamuu iman. Haddaba wanaaga aan
Kulmiye ku arkay haddii uu yimaaado waa mid kherkeeda aynu u simanay,
sidoo kale ayaa waxii Udub inagaga yimaadana aynu u simanahay. Waxa aan ka
cararayaa waa caddaalad darro, waa musuqmaasuq, waa eex, waa tamar darro,
waa aqoon la'aan, waa caafimad darro, waa cudud la'aan, waa dal diir iyo
ayax u tashaday. Waa xaalku sida uu maanta yahay. Berrito haddii u ka
fiicnaado, waa guul iyo badhaadhe aan la wadaagi doono dhammaan inta
Soomaliland ku abtirsata. Danta guud cidina uma xidhna. Waa mid wanaageeda
iyo xumaanteedaba loo siman yahay.
Waxaan rabaa inaan adkeeyo distoorka, inaan meesheeda ku dhidbo xuquuqda
wadaniga. Bal akhri wergeysyada: waxa la xidhay weriyahii Haatuf ee
Boorame, waxa la xidhay Guudoomiyihii Kulmiye ee Boorame, waxa la xidhay
Maamulihii Jaamacadda Hargeysa, yaa xidhay? maxayna ku xidhan yihiin? Waxa
la yidhi wasiiro iyo badhasaabo ayaa na amray. Halkay arrintani kaga
jirtaa Soomalilandta cusub? Yaa yidhi wasiirbaa cid xidhi karaa. Bolisku
ma yaqaano shaqadiisa, waddaniguna ma yaaqaan xuquuqdiisa, barlamaan iyo
guurtina hadalkoodba daa.
Sharcigu waxa uu dhigaaya in bolisku ay xidhi karaan qof 48 sacaadood
marka ay ku qancaan inay jirto sharci uu jabiyey, deedna ay sii deyn
doonaan amba ay dacwad ku oogi doonaan. Ma aha hadal sharciga waafaqsan
inuu bolisku yidhaahdo hebel, hebalbuu u xidhan yahay. Mawaadiniintu ma
aha addoon madaxda dawladdu leedahay. Madaxweyne cid ma xidhi karo. Isaga
iyo ka ugu itaalka yar, ee ugu duuno yari wey siman yihiin, marka sharciga
la eego.
Waxa la gudboon in muwaadin kasta oo xuquuqdiisa lagu xad gudbaa, dacwad
ku oogo cida ku xad gudubtay. Ha noqdo wasiir amba sarkaal sare. Ma aha
inay tii hore socoto, ee ahayd : Mahadsanid marka xabsiga lagaa sii daayo,
adigoon waxba galabsan. Dadow toos, oo garo xaqaaga, heeryada tuur oo
dacwee daalanka gardarada kugu xidha. Kaalin qiimo badan ayey ka qaadan
karaan arrintan jaraa'iidku. Waa inay wacyi geliyaan dadweynaha oo laga
maydhaa baqdinta ku lingaxantay qalbigooda, kana dhalatay sannado ay ku
hoos jireen, xukun dulmi iyo duudsi u boqranaa.
Dad iyo dawladba Soomalilanaday ogow waxa keliya ee dad deeqa inay tahay
cadaalad. Ma aha sharci, la jiifiyaana banaan, ma aha dow, in danyarta la
duudsiyo, ma aha gar, in cashuurta laga qaado caano diiqda, marka ayna
jirin cashuur ay baxshaan ragga ugu dakhliga badani. Ma toosna, in
wasiirkii la eryaaba ku sii jiro gurigii dawladda, oo sifo lahaansho u
yaasho isticmaalkiisa.
Iskuulada oo la kordhiyaa, cisbitaalka oo la dayac tiraa, dadkoo la shaqo
geliyaa, beeraha oo la taageeraa, iyo wershadeynta oo la gacan qabtaa, waa
inoo dan. Waxii inoo soo kordha ee dhisaaya dhaqaalaha dalka waa in loo
soo jeedaa. Waxii duminaayana waa inaynu dhan ka wado ahaano. Dadow, iska
jir kan kugu laaluushaaya maalkii intaas lagu qaban lahaa. Ka feejignow,
afmiinshaarka kiisa fooda leh, iyo kana gadh cadka ah. Ka dheerow kuwa
siyaasadda u galay inay ku lacagaystaan. Waa dar ka madhan mabda' iyo dan
guud. Waa qaar aan xigto iyo xigaal midna u naxayn. Waa dar is daba
wareega, oon arrinkoodu madax iyo minjo lahayn.
Waxa guusha ugu weyn ee aynu gaadhnay tahay inaynu xididka u adkeynay
nabadda. Waxaad se ogaataa in nabadda waxa waraabiyaa yahay dheecaan ka
dindima geedka loo yaqaan CADDAALAD. Waa kan keliya ee xaqiijin kara in
aan marna loo baqan in qas iyo qalalaase dhaawaco degaankeena. Awood kasta
oo jirta waxa laciifiya oo dabadeedna dumiya waa caddaalad darro.
Shacabweynaha in badan ayaa lagu celceliyaa. Nabadda ha la ilaasho laguma
daro CADDAALADA HA LA DHOWRO. Waxa xaqiiq ah oon cidina diidi karin, in
nabaddu tahay tan u baahan caddaalada. Waana mid waajib ah inaynu labadaba
dhaqaalayno,kobcino oynu dhowrno.
Arrimahani ma aha , qaar cidna si gooni ah u anfacaya. Waa danta guud,aan
ku celiyee, waxa arrinku yahay: KARIS XUN IYANA WAX KU LA'.
Ahmed Arwo.
ahmed_arwo@yahoo.co.uk.
Top
Waxaan akhriyey waraysigii uu Tviiga Somaliland
siiyey Mudane Cabdiqaadir Jirde, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Barlamaanka.
Waraysi xiiso leh ayuu ahaa oo runtii muhiim u ah taariikhda Somaliland,
marka sannado ka dib - haddii ilaahay yidhaahdo - dib loo eego sidii wax u
dhaceen.
Hase yeeshe, waxaa jirey laba suaalood oo muhiim ah oo iiga soo baxay
hadalkii Mudane Cabdiqaadir Jirde laakin aanu Tviigu wayddiin. Labadaa
suaalood waxa weeye:
1. Wuxu yidhi Mudane Cabdiqaadir Jirde ‘Waxa dhacday habeenkii berrito oo
kale natiijada lagu dhawaaqayey ayaanu la kulanay dad kacsan oo ragga
qaarkood oo wasiiro ahi aad u fogaaday oo ay taagnaayeen natiijada yaan
lagu dhawaaqin oo Komishanku dembi buu galay ee tallaabo ha laga qaado.’
Suaasha halkaa ku jirtaa waxa weeye: WAA MAXAY SABABTA AY RAGGAASI U
KACSANAAYEEN? WAA MAXAY WAXA AY OGAADEEN EE KICIYEY?
2. Suaasha labaad waxa weeye: GOORMAY DEGEEN? WAXA DHACAY EE RAGGAA
KICITAANKII KA BAABI’YEY MUXUU AHAA?
Arrin kale oo uu Mudane Cabdiqaadir Jirde ku soo qaaday waraysigaa waxay
ahayd tartankii doorashadii Madaxweynaha ee wadanka Maraykanka ka dhacday
sannadkii 2000. Wuxuu yidhi Mudane cabdilqaadir ‘Algor [Murashaxii
Madaxweynaha ee Maraykanka ee la tartamayey Bush] wuxuu yidhi kuma
kalsooni Maxkamadda, laakiinse waan qaatay natiijadii’.
Waxaan u malaynayaa inaan la is barbar dhigi Karin labada doorasho.
Sababtu waxa weeye, Al Gore kama ashtakoon oo kuma eedayn dawladda inay
isticmaashay awooddii qaranka si ay ugu guulaysato doorashada.
Ta kale, Al Gore ma odhan waxaa jira sanaadiiq uu filayey inay dani ugu
jirto oo aan la tirin. Ma waxaad u malaynaysaa haddii ay jiri lahaayeen
sanaadiiq aan loo tirin inuu aqbali lahaa natiijadii maxkamada? Waxaan
hubaa inuu odhan lahaa ‘absolutely not’. Sidaa awgeed, waxaan u malaynayaa
inaanay laba arrimood oo isku dhigma ahayn oo aan ‘comparison’ lagu samayn
karayn. Waa kaaf iyo kala dheeri siday Somalidu tidhaahdo. Marka
‘comparison’ la samaynayo waxa habboon in arrinta oo dhan la wada
‘compare’ gareeyo, ma aha in laba dhibcood inta la soo qaado la yidhaahdo
‘eeg waa isku mide’. Sidaasi cilmi kuma dhisna.
Suleiman Mohamoud (smohamoud@hotmail.com).
Top
Yaan Laga Leexan Siyaasaddii Ruug Cadaagii Cigaal. |
Waxan halkan ka salamyaa shaqaalaha bahda
haatuuf waxan raba inaa ka soo gudbiya fikerkya siyaasadeed xalad
somaliland idinka oo mahadsan inataas kadib waxan raba in aan aad u
hanbalyeeyo shacabka somalialnd ee sida xilkasnimada ah u gutay
wajiibadkooda siba doorashadii ka dhacday 14April, 2003waxa muuqata in
shacabka somaliland ay noqdeen dad aad u bisil oo baal dahab ah ka soo
hooyey sida xilkasnimada h ee ay u ilaashadeen nabadooda qaaliga ah hadab
waxan kula talinayaa siyaasiyiinta somaliland in waxa shacabkii gartay ah
iany wajiibadkooda ka soo baxan inay iyaguna gartaan waxan xisbiga kulmiye
oo doorweyn ka soo ciyaaray doorashada markuu xisbiga udub ee talada dalk
haya uu aad ugu dhowaaday laakiinseaany sura gelin inuu gulaystowaxa uu u
muuqdaa inuu yahay xisbi culus lakiinwaxan rab inan u soo jeediyo lab
arimood aoo kal ah inay ku qan caan go.aanka aay soo saarto maxkamda sare
ee somalilandtaas oo ah iany ilaaliyaan sharciga tan labaadwaxa xilweyni
ka saran yahay nabad gelyada waayo maanta dadku uma baana nin kursigiisa
keliya ka fekera tusaale waxad uga qaadan kartan k|somaliya tan kalewaxan
u soo jeedinaya xukuumada inay inay ak fogaato wax kast a oowax u dhimaya
midnimada iyo wadajirka umada somalialnd iyo inayidho dheer u
yeelatatoinanay ka leexansiyaadaii ruugcadagii geeryooday al ha u
naxariistee mohamed ibarahim cigaal waxa muuqda calamado muujinay
injabouti doonay inay door lixaad leh ku yeelato somaliland marka waa iany
xukuumadu ka taxadirtainay iska ilalisoqorsha uu wado ismail cumar geele
ah in uumajaxaabiyo qaranimada somaliland taas oo uu woodi kari wayey
wakhtigii uu cigaal noola la ha u naxaristeetan labad waa in dawladu inay
aad u ilaalisaa xidhiidhkii wanagsanaee ina dhexeeyey inag iyo eithopia
waayo?? jabouti iyo wadamda carabtu inooma qaban waxay ethopiai inoo
qabatay hadaba waxan hanbalyo u soo diraya riyaale oo suura geliyey inay
doorasho ka dhacdo somalialnd waxan hadalkayga ku soo koobaya waa
inxisbiga kukmiye iyo xisbiga udub labdabu ay ka midaysnadan qaranimada
somliland waa raygii.
Abdi Rasak Ibrahim Xadhigle.
Top
Libta Ninkii Keenay La Ogyahay Ninkii Doonaa Ha Sheegto. |
Waa maalin ka mid ah maalmaha dhammaan reer
Somaliland ku faani doonaan, waa dharaar ay dadweynahu muujiyeen bislaan
siyaasadeed oon lagu arag dunida seddexaad,waa taariikh hore leh oo ka
marag kacaysa qaangaadhka dimuquraadiyadda Somaliland. Abril 14 keeda
2003, doorashada dhacday waxa ay muujisay in dadweynaha Somaliland yihiin
dad aad u fahmay dimuquraadiyadda.
Waxa aad hoos ugu dhacay codkii UDUB oo xukunka hayey 10 sano, waxa si
lama filaan ah kor ugu kacay codkii xisbiga ugu dada yare ee KULMIYE. Tani
dunida seddexaad kama dhacdo. Dawladda oo ilaa imika aad loogu shaqaysto
si ujeedooyin xisbi lagu gaadho, mey qancin inta badan oo shacbiga ka mid
ah. Kolka dhab loo qiimeeyo doorashada waa mid ay ku guul daraysatay
xisbiga UDUB, waa mid caddeyey in hogaanka UDUB yahay mid ka mas'uul ah
jabkiisa.
Codka yar ee u dhexeeya labada xisbi,waxay tahay mid aad khatar u ah.Waad
ogtihiin tii Maraykanka ka qabsatay, haddana waxa KULMIYE muujiyey in
danta guud ka weyntahay tan gaarka ah. Wax dhibaato ah oo meelna ka dhacay
ma jiraan.Xataa markii loo diiday banaan bax, waxay noqdeen dar iska
gaabsada.
Sidoo kale Madaxweyne Riyaale, waxa uu muujiyey deganaansho iyo daneyn
danta guud. Halka ay ka degdegeen wasiirada qaarkood iyo rag odayaal ah oo
ay ahayd inay arrinta dhexdhexaad ka ahaadaan. Waxa muuqata in xataa,
suldaano ay arrintan si dhinac ah uga hadleen. Haddaba suldaanka xisbi u
xagliya xalkuu kaga tegay beesha inta xisbiyada kale la socota. Haddaan la
helin dar daneeya danta dalka marka arrini murugto, oo dhexdhexaad la
waayo,daawo lama helo. Miyirka ay labada hoggaamiye muujiyeen,waa inay ka
muuqata bulshada inteed kale.
Si gaar ah waxa laga doonayaa in Wasiiradu noqdaan dar dhowra sharciga
dalka oo aan u isticmaalin awoodda dawladda inay ku daafacaan dan xisbi.
Sidoo kale ma aha in ciidanka dalka loo adeegsado si dano gaar ah loogu
fushado. Warfaafinta qaranku waa inay iyana muujisaa dhexdhexaadnimo,
maalka lagu wado hawsha dawladdu ma leha xisbi, waa mid qaran oo loo siman
yahay. Waa sidaas sida sharciga dalku dhigaayo, ahna tan aynu u soo
halganay, ay tahayna inaynu midheheeda goosano.
Madaxweyne Riyaale waxuu tibaaxay inuu diyaar u yahay in la dhiso dawlad
loo dhan yahay, si loo helo dawlda tayo leh. Waa mid aan ku
hanbalyeynaayo.Waana mid looga fadhiyey inuu markii uu xilka qabtayba
sidan yeelo. Waxba ka odhanmaayo kartida dawladda hadda dhisan oo waxa
tamar yarideeda ka marag kacay Madaxweynaha.
Haddaba anigoo warbixino hore baadhaaya, ayaa waxa aan helay war-saxaafadeed
uu Ahmed Silaanyo, oo xiligaas ahaa Guddoomiyaha SNM, ku bixiyey af
Ingiriisi, kana kooban toban safxadood, Hoteelka, Royal National,Bedford
Way, Londaon 20 January 1989. Ahmed waxuu xiligaas soo bandhigay
dhibaatada dadkeena heysay. Waxa maanta meesha ka baxay xadhigii,dilkii
iyo qaxii, waxa se weli taagan arrimo badan oo Silaanyo soo qaaday. Tan u
horreysaa waa musuqmaasuqa, ood odhan karto haddaanu maanta ka
xumeyn,kolna kama fiicna siduu markaas ahaa. Tan xigtaa waa sharci ku
tumashada ka muuqata wasiirada qaarkood,eexda, ku tagri falka hantida
ummadda, sida idaacadda, Jaraa'idka, gaadiidka iyo guryaha, oo loo
isticmaalo dano gaar ah. Waxa kaluu soo qaaday,falalkii xumaa ee NSStu
dadweynaha ku haysay, isagoo tibaaxay sida foosha xun ee aadmiga loogu
jidh-dilo goobaha ay NSStu ku lahaayeen degmooyinka dalka oo dhan.
Gebagebe, Axmed Silaanyo iyo madaxda kale ee Kulmiye, waa dar u tefaxaytay
sidii ay mar kale ummaddan ugu horseedi lahaayeen dhismo dawlad
dhammeystirta inta ka dhiman barnaamijkii Silaanyo 1989 ku soo bandhigay
London. Waana taa tan ay danayniyaan, iyagoo wax walba ka hormarinaaya
nabadda iyo dhismaha Jamhuuriyadda cusub oy iyagu dhagax aasaaska u
dhigeen.Waa rag ay dhab ka tahay gooni isu taaga Soomaaliland , oon rag
marba gees u cararaa ayna dhexgeli kareen.
Haddaba iyadoo libta iyo guusha aynu gaadhnay ay sal u tahay isku
duubninada dadweynaha Soomaaliland,haddana isteerinka ragbaa u hayey,waana
la og yahay libinta ragga leh,waxa maanta guushan ku faana dar aan meelna
u soo marin.Horaa loo yidhi libinta ninkii keenay la og yahay ninkii
doonaa ha sheegto.
Ahmed Arwo, U.K.
ahmed_arwo@yahoo.comTop
|