Madaxweyne
Rayaale, Shir-Gudoonada Baarlamaanka Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Jawaabo
Cambaarayn Ah Ku Boobay Xisbiga KULMIYE “Cidda La Timaada Wax Ka Gedisan
Sida Xeerku Jidaynayo Lama Aqbali Doono,” Madaxweyne Rayaale.
“Wasaaradda Arrimaha Dibeddu Kama Warhayso Meel Lagu
Marti-Qaaday Iyo Fiise Loo Diiday G/Wakiilada,” Agaasimaha Guud Ee
W/Arrimaha Dibedda.
27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku
Hilaaciyeen Burco, Q: 2aad.
Xiisad Ka Aloosantay Weeraro Lala
Beegsaday Ciidamada Maraykanka Ee Ku Sugan Ciraaq.
Burco Oo Aan Sidii Hore Looga Xusin Maalinta 27-Ka May.
Shir Caalami Ah Oo U Furmay Suxufiyiinta Adduunka.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Urursiga Aqoonta Waxtarka Leh.
Waadiga ciyaaraha: C/fataax
M. Caydiid.
|
|
Madaxweyne Rayaale,
Shir-Gudoonada Baarlamaanka Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Jawaabo
Cambaarayn Ah Ku Boobay Xisbiga KULMIYE “Cidda La Timaada Wax Ka
Gedisan Sida Xeerku Jidaynayo Lama Aqbali Doono,” Madaxweyne Rayaale.
“Bayaanka KULMIYE Waa: Ama Aan Helo Ama Yaanay Waxba Jirin,”
Shir-Gudoonada Baarlamaanka.
“Hay’adda Xuquuqda Ee African
Rights Maaha In Loo Adeegsado Waxyeelaynta Sumcadda Somaliland,”
Faysal C. Waraabe; “UDUB Markii Ay Soo Baxday Waan Ka Naxay… Ururka
Waxaan U Sameeyay Inaan Siilaanyo Iyo Rakaabkiisa Dalka Ka Fadhiisiyo,”
Faysal Cali Waraabe - Shir-Jaraa’id. |
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha
xisbi Siyaasadeedka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shirjaraa’id uu shalay
ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa waxa uu si kulul ugu canbaareeyey mawqifkii
uu xisbiga KULMIYE ka qaatay go’aankii natiijada doorashadii madaxtinimada
Somaliland, isaga oo ugu horayn kulan-saxaafadeedka uu qabtay ka akhriyey
qoraal uu saxaafadda ugu talo galay, laakiin markii uu qoraalkaa
akhriskiisa dhameeyey ayey weriyayaashu door ah ka waydiiyeen arimaha uu
ka hadlay, waxayna su’aalaha iyo jawaabaha ay isdhaafsadeen weriyayaasha
iyo Faysal Cali Waraabe u dhaceen sidan:
S: Waxaad sheegtay inuu markab WFP leedahay oo raashin sidaa uu Somaliland
uga baydhay muranka ka dhashay natiijadii doorashada awgeed, taa maxaad ku
cadaynaysaa?
J: Arinta markabku way jirtaa, waxaana la filayey inuu bisha Juun
horaanteeda dekedda ku soo xidho, heshiiskana way kala saxeexdeen hayadda
iyo dekeddu, waxaana loo leexiyey xagga Jabuuti, markaa arimahan KULMIYE
ka soo yeedhayaa wax weyn ayey dalkeena u dhimayaan, anaguna ma doonayno
inuu dalkeenu mar dambe burburo, ninkii nin kursi la jeclaayow tii ilaahay
baa soconaysa,, aniguba markii ay UDUB soo baxday aad baan uga naxay,
laakiin waa inaynu ogolaanoi go’aanka ilaahay, waayo go’aanka ilaahay lama
dhaafi karo ee waa inaynu ka shaqayno sidii aynu wax u hagaajin lahayn.
S: Wargeyska Haatuf ayaa saadaal uu qoray ku sheegay inaad ka mid tahay
wasiirada cusub ee xukuumadda la filayo inuu madaxweyne Rayaale soo dhiso,
taa ka warran?
J: Anigu idinka (Jaraa’idka) ayaan idiin soo war doontaa ee qoladii qortay
aynu ha inooga warranto.
S: Marka la leeyahay wuu leexday wararka qaar baa tibaaxaya sababta uu u
leexday waxa la xidhiidhaa xidhiidhka xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya
oo aan wanaagsan dartii, markaa adigu ma wax taa ka duwan ayaad haysaa?
J: Haa waan hayaa sababta uu u leexday, xidhiidhka Somaliland iyo
Itoobiyana ma xuma ee wax uun baa idiinku sheekeeyey Itoobiya Rayaale ma
ogola, laakiin xidhidhka Somaliland iyo Itoobiya aad buu u fiican yahay,
Itoobiyana mashaariic ayey inoo soo wadaa, markabkaana waxa loo celiyey
dhacdooyinkan dhacay iyo rinjigan xun ee aynu dalkeena ku samaynay ee aad
jaraa’idkiinu ka kow tihiin ee aad qoraysaan, idinka oo qof ama xisbi ku
xumaynaya.
S: Xisbiga KULMIYE waxay sheegeen inay cadaalad daro tirsanayaa, adiguna
markasta oo aad shir-jaraa’id qabato xisbiga KULMIYE ayaad canbaaraysaa,
markaa miyaan laguu arki karin nindhinaca UDUB raacsan, sidii horeba
laguugu sheegi jiray oo aad gacan saar leedihiin?
J: Horta KULMIYE iyo anagu (UCID) waxaanu isku nahay laba xisbi oo
mucaarad ah, waxayna ahayd inaanu wax hagaajino, laakiin hadii aanu u
aragno kii aanu wax ka hagaajinaynay inuu KULMIYE ka ficil xumaado sow
inaanu nidhaahno joogso ma aha, dadka KULMIYE ku jiraana badiyaa waa
axsaabtayda, inkasta oo aanan shakhsi ahaan Siilaanyo iyo qayrkii toona
aanan doorteen, aniguna waxaan ururka u sameeyey inaan Siilaanyo iyo
rakaabkiisaba dalka ka fadhiisiyo, hadana rag ay ka mid yihiin Ina Aw-Cali
waa saaxiibkay, waana nin aan aad iyo aad u ixtiraamo, weligay Tolwaa kuma
odhan, waana ka naxaa qofka ku yidhaahda, laakiin ma aha inuu qofku
geedkii uu abuuray jaro, aniguna qofkii Somaliland ka soo horjeeda waan ka
soo horjeedaa.
S: Waxaad carrabka ku dhufatay inaad aad uga soo horjeedo inuu Siilaanyo
kursiga qabto, waa maxay sababtu, ma colaad shakhsiyaa, mise waa xumaan
kale?
J: Ma aha colaad shakhsiya, kULMIYE-na xisbi ahaan uma nebci, laakiin laga
soo bilaabo Cumar Carte oo lixdankii ah ilaa kuwaas ka soo baxay iskuulkii
Maxamed Siyaad Barre intaas oo dhan waxaan ururka u sameeyey inaynu ka
xorowno, laakiin shacabka ayaa garran-waayey oo u footeeyey, hadii uu
Siilaanyo heli lahaana waan u hambalyeyn lahaa, waayo waa inaan ogolaado
go’aanka shacbiga.
S: Adigu miyaadan ka mid ahayn qolada ka soo baxday iskuulka Siyaad Barre?
J: Anigu kama aan soo bixin ee waxaan ahaa Injineer, siyaasad-na aan gelin
oo wasiir doon maan noqon.
S:Marka laga hadlayo doorashadii waa run, waana la qirayaa inay dadweynuhu
si wanaagsan oo bisil u codeeyeeen, laakiin doodda taagani waxa weeye
inaan natiijadii doorashada si wanaagsan loo maamulin, halkaana uu
madmadowgu ka soo baxay, maantana aanu hadal taagnaadeen hadii si fiican
loo maamuli lahaa, taa maxaad ka odhanaysaa?
J: Marka saddexda xisbi la eego cidda la boobay waa anaga (UCID), waxaana
hubaa hadii uu si siman u dhici lahaa foodku inaanay ciddina naga badiseen,
ee waxay isticmaaleen siyaasad ah ku noqnoqo, masalan qof reer KULMIYE ah
oo mar qudha footeeyey ma jiro, labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE-na,
xisbiga KULMIYE ayaa komishanka ku taqa roonaa oo ku socod badnaa, oo afar
qof oo komishanka ah ayaa nasteex u ahaa KULMIYE, laakiin KULMIYE in laga
badiyey waa inuu ogolaado, waayo hadii iyaga loogu dhawaqi lahaa way
ogolaan lahaayeen.
S: Ma waxaad leedahay cadaalad baa lagu maamulay natiijadii doorashada ?
J: Haa cadaalad baa lagu maamulay natiijadii doorashada, laakiin cadaalad
daradu waxay ka dhacday goobihii codaynta ee lagu noqnoqanayey, masalan 14
sanduuq oo aanu anagu 9200 oo cod leenahay ayaan la tirin oo aanu u
aragnaa in khiyaamo loo tirin-waayey.
S: Sida la ogyahay Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo way kulmeen, laakiin
Siilaanyo waxa uu sheegay inuu Rayaale u soo qadimay horta I aqoonso inaan
madaxweynenimada ku guulaystay, taasina ay wada hadalkii soo afjartay,
markaa marka uu madaxweyne Rayaale leeyahay horta I aqoonso, miyaan loo
qaadan karayn inaanu doorashadii ku guulaysan?
J: Horta anigu lamaan joogin, laakiin sharcigu waxa uu yahay in loo
hogaansamo go’aankii sharciga ahaa ee ay hayaddii dalka u saraysay (Maxkamadda)
soo saartay, taas oo inkasta oo aad is leedahay way kaa eexatay, horta
ixtiraam, marka aad ixtiraamto ka dib adiga iyo qofka soo baxay wixii
idinka dhexeeya ka wada hadla, laakiin adiga oo subbeehi ah oo aynu
simanahay noo kaalay waxay taasi noqonaysaa Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf
oo kale ee uu yidhi Cadde Muuse horta iska dhiga bahasha.
S: Hayadda African Rights ee aad eedaysay waxa laga yaabaa inay ka
hadashay waxyaalo xuquuqda aadamaha ka dhan ah oo dhacay, markaa ma waxaad
leedahay waxyaalaha xuquuqda aadamaha ka dhanka ah ee ay xukuumaddu
samayso yaan waxba laga sheegin?
J: Horta qofku marka uu ku jiro urur aan siyaasi ahayn waa inuu
dhexdhexaad noqdaa, laakiin hadii uu noo muuseeyo oo kiiyoo xisbi ku jiraa
u yidhaahdo wax baan qorayaa oo siidhiwale ayaan ahay dee waa been,
warbixintaana Inter-netka ayaa la geliyey oo qofka qoray waanu garanaynaa
oo qalbigiisu waxa uu ku fogaa mid ka mid ah xisbiyada.
S: Waxaad ku dheeraatay dhinaca xisbiga KULMIYE, laakiin dhinaca UDUB
miyaadan waxba u soo jeedinaynayn?
J: Horta baaqa KULMIYE ayaan ka jawaabayey, laakiin UDUB-na waxaanu
leenahay badh-badhaadhnay ha odhanina, waxaad badiseena ma jiro ee nasiib
ayaa idin raaciyay bahasha ee waa inay xisbiyadu wax walba ka wada
tashadaan, laakiin hadii aad tidhaahdaan anaga ayaa iska helay oo sida
aanu doono yeelayna dawladdiinu dawlad tayo leh noqon mayso, ee waa inaad
labada xisbi ee mucaaradka ah la tashataan oo ay dawladdu noqoto dawlad ay
axsaabtu ka wada muuqdaan oo loo midaysan yahay oo shaqaysa.
S: Adigu madaxweyne Rayaale ma la kulantay oo talooyin ma siisay?
J: Haa waanu kulanay, wixii talooyin ahna waanu siinay, laakiin waxa ku
socda boqol iyo toban talo, anaguse wixii waajibkayagu ahaa waanu ka
yeelay.
S: Had iyo dawladaha afrikaanku dabeecad ayey isaga leeyihiin inay
asxaabta mucaaradka ku yidhaahdaan waa qaran dumis iyo canbaarayn, markaa
canbaaraynta miyaanay ka wanaagsanayn inaad nimankiina hogaamiyayaashu
inta aad miiska soo wada fadhiisataan inaad mushkiladda xal ka gaadhaan?
J: In la wada hadlaa meesha way ku fiican tahay, danteenuna waxay ku
fiican tahay in la wada tashado, dalkana waxaynu soo wadnay wada tashi iyo
isu tanaasul, laakiin waxa wada hadalkii xidhay adiga oo aan waxba ahayn
oo aan madaxweyne ahayn isu keen keen aniga oo gudoomiyihii KULMIYE ah iyo
adiga oo gudoomiyihii UDUB ah, taasina wax la qaadan karo ma aha, markaa
waxa weeye inaynu marka hore go’aanka maxkamadda ixtiraam-no , markaa ka
dib wax waliba way inoo furan yihiin.
S: Maalma dhowayd dhalinyaro la xidh-xidhay arintaa miyaad raacsan tahay?
J: Horta waxaynu sas ka qaadnay xadhigii Afweyne, laakiin dawladi waa inay
wax xidh-xidhaa, waayo qofka la xidhay inuu dembi leeyahay ayaa la
baadhayaa ee habeenkii lama gawracayo, markaa xadhiga waa in la ogolaadaa,
waayo waxa ka weyn khatarta uu qofku soo wado hadii ay jiraan wax lagu
haystaa. Markaa la ydihaahdo qof baa la xidhay waa in la yidhaahdo qofka
maxaa lagu xidhay, laakiin qaylada aad ku dhufanaysaan halaga daayo.
S: Waa adiga hadda lahaa sharciga haloo hogaansamo, markaa qofka waa la
xidhi karaa, laakiin miyaanay ahayn xadhiga in dariiqa sharciga ah loo
maraa oo masalan qofka waarran maxkamadeed lagu qabtaa, ama mudada
sharcigu dhigayo maxkamad lagu horgeeyaa oo aan xabsiga layskaga hayn
intii la doono?
J: Horta waa in sharciga la ilaaliyo way tahay oo qofka xuquuqdiisa la
ilaaliyo oo looyarkiisa loo yeedho waa xaq taasi, laakiin waxaad ka
cabaadasyaan hebel baa la qabtay oo waxaad doonaysaan inay jeelasheenu
faaruq ahaadaan oo nin wadanka dilaya in la qabto ma doonaysaan oo tuug in
la qabto ma doonaysaan, markaa wadanka nabadgelyadiisa waa inaynu ilaalino
oo aynu booliska dhiiri gelino, masalan waxaad ka hadlaysaan baandawga,
laakiin baabuur nabadgelyo ahaan loo jeegaranayo oo laga baadhayo kii hub
soo gelinaya maxaad ku diidaysaan, waxaadse xaq ugu leedahay inuu si edeb
leh kuu baadho, laakiin yeynaan odhan maxaa kontaroolo loo samaynayaa,
maxaa milateriga suuqa loo gelinayaa, markaa habkii dawladnimo ma ogolin.
S: Marka la eego xisbiga KULMIYE ee aad isku mucaaradka tihiin waxa la
leeyahay xisbiga UDUB ee uu loollanku ka dhexeeyo adiga ayaa kaga darran
tahay, taa maxaad ka odhanaysaa?
J: Salaadiinta ayaa odhan jirtay dawladda waxa nagaga darran Faysal Cali
Waraabe, markaa anigu qof kasta oo aan u arko in talaabada uu qaadayaa ay
khatar dalka gelinayso waxaan leeyahay Yur, umana ham-ranayo.
Top
“Wasaaradda Arrimaha Dibeddu Kama Warhayso Meel Lagu Marti-Qaaday Iyo
Fiise Loo Diiday G/Wakiilada,” Agaasimaha Guud Ee W/Arrimaha Dibedda. |
Hargeysa (Haatuf): Agaasimaha guud ee
wasaaradda arimaha debedda, Cabdi Aadan Nuur ayaa beeniyey war ku soo
baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii shalay soo baxay oo sheegayey in
gudoomiyaha golaha wakiilada, mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) loo
diiday fiise uu ku tegi lahaa dalka Koonfur Afrika, iyadoo uu wargeysku
intaa ku daray inuu Qaybe ka mid noqon lahaa wefti Somaliland ah oo
booqasho ku tegi lahaa dalka Koonfur Afrika, laakiin uu isagu kaga baaqday,
ka dib markii loo diiday dal-kugalkii. Hase yeeshee agaasimaha guud ee
wasaaradda arimaha debeddu wuu beeniyey taa, isaga oo beenintiisa ku
sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray shalay, wuxuuna
warsaxaafadeedkiisa isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:
“Wasaaradda arimaha debeddu waxay cadaynaysaa in martiqaadkii wasiirka
wasaaradda arimaha debedda ee Koonfur Afrika uu ahaa mid gaar ah oo uu
casuumay wasiirka arimaha debedda ee Koonfur Afrika, waxaana martiqaadkaa
kula qornaa wasiirka horumarinta qoyska iyo wasiirka horumarinta
reermiyiga oo keliya.
Hadaba wasaaraddani kama war hayso wefti uu gudoomiyaha golaha wakiiladu
raaci lahaa iyo meel ay dawladda Koonfur Afrika fiise uu dalkeeda ku galo
ugu soo diiday sida uu qoray wargeyska Jamhuuriya”ayuu agaasimaha guud ee
arimaha debeddu ku soo xidhay warsaxaafadeedkiisa.
Wargeyska Jamhuuriya inkasta oo aanu xusin cadadka uu warku ku soo baxay,
hadana waxa uu sheegay inuu warkan ka soo xigtay wargeys la yidhaahdo La
Figaro oo ka soo baxa dalka Faransiiska.
Qaybe sannadkii 1980-kii ayuu noqday wasiirka arimaha debedda ee
xukuumaddii Somaliya, isaga oo marna ahaa agaasimaha guud ee wasaaraddii
arimaha debedda ee xukuumaddii Somaliya iyo sidoo kale waxa uu dalal badan
oo dunida ah ka soo noqday danjire.
Top
27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku
Hilaaciyeen Burco, Q: 2aad. |
Intii akhrisatay cadadkii shalay ee Haatuf
waxanu ku soo qaadanay qaybtii hore ee maqaal ka sheekaynaya xuska 27-ka
May iyo gulufkii ay xoogagii SNM ku hilaaciyeen shan iyo toban sano ka hor
magaalada Burco, iyada oo aanu soo qaadanay waraysiyo aanu la yeelanay,
mujaahidiin iyo shakhsiyaad caan ah, oo ka waramayey dhacdadaas, iyo
waxyaabaha lagu xasuusan karo.
Inaga oo halkii ka sii wadayna waxa arrintan si mug leh uga waramay
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa guddidii dagaalkaa loo
xilsaaray.
Go’aankan oo la odhan karo wuxuu ahaa kii ugu adkaa ee soo mara halgankii
uu hogaaminayey ururkii SNM ee ay kula jireen taliskii Muqdisho waxay
geesiyaashii SNM ku jiidheen cudud milatari oo markaas ahayd mid ka mid ah
kuwa ugu xooga weyn qaaradda Afrika, waxaanay baabiiyeen cududii Milatari
ee dalkii Soomaaliya oo mar ahayd mid looga baqo sida libaaxa.
Haddaba dhacdadan iyo guud ahaan halgankii SNM maaha mid ereyo lagu soo
koobi karo ama waraaqo lagu dhamayn karo, balse waxa lama huraan ah, in
xogta arrintaas laga qaato ciddii xog-ogaal u ahayd ama goob joog ka ahayd
sidi ay ku timid iyo sidii ay u fushayba, waxaana shakhsiyaadkaa ka mid ah
Mujaahid Maxamed Kaahin oo nooga waramay dhinacyo badan oo khuseeya
dhacdadan. Iyada oo aanay noo suurto gelin inaanu shakhsiyaad kale oo
muhiim ah ka waraysano.
Mujaahid Maxamed Kaahin isaga oo ka waramaya dhacdadan sidii ay ku timid
wuxuu yidhi “arrintani waxay ka dambaysay markii ay heshiisyo lama filaan
ah isla gaadheen taliskii Siyaad Barre iyo dawladdii Itoobiya, oo hore col
daahii go’ay u ahaa, kaasoo ka dhashay shir ay iskugu yimaadeen magaalada
Djibouti 1987-kii labadii madaxweyne ee Siyaad Barre iyo Mingestu kaas oo
uu qaban qaabiyey ururka IGAD, mar labaadna shir kale ayaa lagu qabtay
Djibouti bishii April 1988-kii, kaas oo uu ka soo baxay heshiis ay isla
gaadheen labadii dhinac, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahayd in labada dal
xuduudahooda aqoonsadaan, in ciidamada xuduuda laga raro, ilaa 15 mayl-na
laga fogeeyo, iyo in aanu dalna caawinin mucaaradka ka soo horjeeda ka
kale, taasaa markaa keentay in ciidamadii SNM inay ka guuraan goobihii ay
deganayeen, taas oo sababtay in hogaankii siyaasadeed iyo kii milatari ee
SNM inay hor timaado laba daran mid dooro, oo ahayd inuu halganku baaba’o,
iyo in go’aan kale la gaadho, waxaanay taasi ku soo beegantay iyada oo
aanay SNM haysanin taageeradii ay heli jirtay, iyo iyada oo uu hawlgabay
ururkii SSDF ee ka horeeyey SNM. isla markaana uu socday qorshihii lagu
xasuuqayey dadka reer Somaliland, taasi waxay keentay in la qaato go’aan
ah in 27-ka May ay ciidamada SNM galaan magaalada Burco, halka 31-kii May
-na laga galay magaalada Hargeysa”.
Mujaahidku isaga oo si gaar ah uga waramaya hawlgalka Burco waxa uu yidhi
“Waxa hogaaminayey Mujaahid Axmed Mire, Waxa taliye ku xigeen ama
abaanduule u ahaa Mujaahid Aadan Saleebaan (Alla ha u naxariistee), waxa
sarkaalka hawlgalinta u ahaa Xuseen Maxamed Kharash yare, markaa ciidanka
Burco galay wuxuu ahaa ciidanka la yidhaahdo 12aad ama C/Qaadir Koosaar (Alla
ha u naxariistee). Oo ahaa Aag balse waxay u sii kala baxayeen qaybo kala
duwan, salaad hore ayaanay ku waaberiisteen magaalada Burco, iyaga oo
halkaa khasaare laxaadleh ugu geystay ciidamadii taliskii Siyaad Barre”.
Sidoo kale marka laga reebo ciidanka galay gudaha magaalada Burco waxa
jiray ciidamo kale SNM ah oo jid-gooyo ka galay goobaha ku meersan Burco
sida wadada weyn ee tagta Muqdisho, Oodweyne, iyo goobo kale oo muhiim ah
oo ay dhabar-jebini kaga iman karaysay ciidanka jiida hore dagaalka.
Afar cisho ka dib ayey ciidamada SNM xoog ku soo galeen magaalada Hargeysa
waxa kale oo dagaal kuwaa la mid ahi ka dhacay jiida cadaadlay iyo Berbera.
Haddaba la soco qaybo kale oo ku saabsan dagaalkaa ku saabsan
dhacdooyinkan mucjisada ku reebay taliskii Siyaad Barre, guud ahaan
Soomaalida iyo geedi socodka taariikhda dunidaba.
Top
Xiisad Ka Aloosantay Weeraro Lala Beegsaday Ciidamada Maraykanka Ee Ku
Sugan Ciraaq. |
Baqdaad (w.wararka)xiisado ayaa ka taagan qaybo
badan oo ka tirsan dalka ciraaq kadib markii ciidamada maraykanka ee ku
sugan dalkaasi ay la kulmeen weeraro isdaba joog ah oo lala beegsaday
maalmahan.
Gaar ahaana waxay xiisadi ka taagnayd maalintii shalay degmada Fuluuja oo
dhinaca galbeed ka xigta magaalada baqdaad ee caasimada ah,kadib
markiiciidamada maraykanka ee halkaa degan lagu qaaday dhawr weerar
subaxnimadii hore eeshalay , iyadoo ay weeraradaa ku dhinteen laba askari
oo maraykan ah halka ay 9 askarina ku dhaawacmeen, gaarahaana markii
weerar gaadmo ah lala beegsaday kantarool ay ciidamada maraykanku ka
samaysteen agagaarka degmadaasi.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay taliska ciidamada maraykanku waxa ay
kaga jawaabeen iyagoo rasaas ooda kaga qaaday dablaydii weerarka sooqaaday
iyagoo isla markaana gacanta ku dhigay 6 kamid ah dablaydii weerarka soo
qaaday 2 kamid ahna dilay sida uu sheegay afhayeenku.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi waxa kale oo uu khasaare ka
soo gaadhay weerarkaa diyaarad helikobtar ah oo ay la haayeen ciidamada
maraykanku waxaanua la sheegay inuu haatan socdo baadhitaan la xidhiidha
arintaasi iyadoo wax la weydiinayo maxaabiista laga qabtay dablayda
weerarka soo qaaday.
Top
Burco Oo Aan Sidii Hore Looga Xusin Maalinta 27-Ka May.Shir Caalami Ah Oo U Furmay Suxufiyiinta Adduunka. |
BURCO (Haatuf) Shalay oo ay taariikdu ahayd
27may, waxay ahayd maalintii ugu horaysay ee ay ciidamadii SNM si badheedh
ah ugu soo galeen guluf dagaal dalka,waxayna ciidamadaas SNM weerarkii ugu
horeeyay la beegsadeen talisyadii milateri ee gudaha magaalada
burco.waxaana munaasibadan sanad kasta si balaadhan looga xusi jiray
magaalada burco si weyn, laakiin sanad guuradan oo ahayd tii 15aad ee
kasoo wereegtay mudadaa oo ku beegnayd shalay sida looga xusay magaalada
burco,waxa warbixin nooga soo diray Axmed Aadan Yuusuf oo ah hawlwadeen ka
tirsan Haatuf, wuxuna warbixintiisa ku bilaabay sidan:
“shalay waxa fagaaraha khayriyada buro lagu qabtay xuska sanad guuradii
15aad ee kasoo wareegtay 27 may 1988, oo ahayd maalintii ugu horaysay ee
ay xoogagii SNM guluf dagaal oo lama filaana kusoo qaadeen gudaha
magaalada burco, laakiin marka loo eego munaasibadan sida ay dadka reer
burco u xusi jireen kuwii sanadii hore waxay ahayd mid aad ugu duwan,
iyadoo wadooyinka magaalada lagu xidhi jiray calam iyo guluubyo kala nooc
ah, islamarkaana waxa la qurxin jiray goobaha taariikhiga ah, waxayna
dadka reer burco subaxnimada hore iska xaadirin jireen waxana ahayd mid ay
dadku aad u hadal hayn jireen xuskeeda maalmaha ka horeeya, laakiin waxaas
oo dhami may kamay muuqan magaalada burco, waxaana khayriyada shalay 9;30
subaxnimo yimi gaadhiga badhasaabka oo uu ka babanayo calankii,iyadoo ay
waqtigaa ku sugnaayeen xoogaa dhalinyaro ah iyo gaadhi ay leedahay dawlada
hoose ee burco. Haseyeeshee inyar ka dib ayuu badhasaabku dib ugu laabtay
magaalada, wuxuuna soo laabtay qadar nus saac ah iyadoo ay weheliyaan koox
dhalinyaro ah oo ka tirsanaa mujaahidiintii dagaalyahankii
SNM,islamarkaana waxa kusoo kordhay goobta xoogaa dad ah. Ka dibna waxa
dadkii hadal kooban oo ku saabsan qiimaha maalintaa u jeediy Badhasaabka
gobolka togdheer Axmed xuseen dheere iyo qaar ka mid ah mujaahidiintii ka
qayb qaatay halgankii. Mujaahid jaamac digaal oo halkaa ka hadlay ayaa
sheegay in markii ay labadii dawladood ee soomaaliya iyo itoobiya
heshiiyeen ay madaxdii dagaalyahankii SNM go, aansadeen in dalka madax
madax loo galo, wuxuuna intaa raaciyay inay dagaalyahankii SNM u dheedheen
xoogii milateri ee dawladii siyaad bare, iyadoo dagaalyahanka SNM ee galay
magaalada burco lagu amray inay jiidhaan difaackasta oo aan ahayn ka
gudaha magaalada Burco.
Wuxuna mujaahidku intaa ku ladhay inay ciidankii magaalada burco galay
ahaayeen qiyaastii 1000, mujaahid , islamarkaana ay wateen 40 , gaadhi oo
toban ka mid ahi yihiin kuwa gaashaam inta kalena ay xamuul yihiin.
Sidaana ay kusoo galeen magaalada burco, laakiin isagoo saluugsan sida
aanay dadku uga soo qayb gelin, wuxuuna isagoo arintaa ka hadlaya yidhi, “
munaasibadan , ama kun ha timaado, ama afar ha timaadee, waa waajib inaanu
qabano”.
Top
Shir Caalami Ah Oo U Furmay Suxufiyiinta
Adduunka. |
Paris (w.wararka)shirweyne caalami ah oo ay ku kulmeen wakiilo ka kala
socda suxufiyiinta wargysyada aduunka oo ay ka qaybgalayaan 700 oo suxufi
ayaa ka furmay magaalada Paris ee dalka Faransiiska kaasoo cinwaan looga
dhigay (wargeysyadu waxay kaalin muhiima kaga jiraan Mujtamaca).
Shirkan oo uu soo agaasimay ururka midawga saxaafada aduunka oo socon
doona mudo mudo laba maalmood ah waxa ka qayb galaya shakhsiyaad caalamiya
oo lagu yaqaano dhinaca saxaafada oo ka kala socda dalal ka tirsan aduunka
waxaana furitaanka shirkan ka qaybgalay ra’iisalwasaaraha faransiiska ,waxaanu
shirku mudada uu socdo ahmiyada siinayaa daabacaada iyo qoraalka maqaaladu
ah miyada ay u leeyihiin guul ka gaadhista qoraalka wargaysyada.
Waxaanay qabanqaabiyayaasha shirkani isla eegayaan qaabka lagu heli karo
qoraalo tayo leh noocay doonaan ha ahaadaane iyo sidii lagu heli lahaa
suuqyo waaweyn oo loo iibgeeyo wargeysyada iyo saxaafada la daabaco.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Urursiga Aqoonta Waxtarka Leh. |
Qaadashada iyo urursiga aqoonta garaadka
kobcisa ee afka ingiriisiga lagu yidhaa (factual knowledge) waa qayb aad
muhiim ugu ah qofka hore-u-markiisa aqooneed iyo tiisa shakhsi ahaaneedba.
Sida ay aqoonyahanadu marar badan sheegeen aqoonta la bartaa marka ay
dhamaato waxaa jirta xikmad,xikmadaas sida lagu helaana waxay tahay qofka
oo badiya wax akhriska taasoo ah inuu qofku akhriyo kutub iyo buugaag
farabadan,iyo inuu sameeyo qoraalo kala duwan.
Marka la doonayo in ummad la horumariyo wax yaabaha la adeegsado waxaa ka
mid ah waxaa ugu muhiimsan waa hadba waa sida ay u sahlantahay helitaanka
iyo baadhitaanka macluumaadka aqooneed ee garaadka kobciya, xidhiidh
ayaana ka dhexeeya sida ay u sahlantahay helitaanka macluumaadka iyo iyo
aqoonta iyo waliba xornimada bulsho.
Waa xaqiiq umadi kolba inta ay xor sii noqotaba waxa sii kordha helitaanka
macluumaadka iyo aqoonta ,waxaanu shaki ku jirin umadii hodan ku ah
macluumaadka aqoonta inay tahay umad hore-u-maraysa.
Nasiib daro helitaanka iyo baahinta aqoontu waxay ahayd meelaha ay umada
Soomaaliyeed aad ugu liidato taasoo ay aad uga aradnayd mudadii 30-ka
sanadood ahayd ee ay midaysnayd Jamhuuriyaddii soomaaliyeed,iyadoo ay
arrintaasi ugu sii liidatay mudadii ay talada haysay xukuumadii milatariga
ahayd ee mudada 21-ka sanadood ahayd dalka ka talinaysay.
Meelaha ay xakamaysay dawladii siyaad bare waxaa ka mid ahaa meelaha
buugaagta lagu akhristo (Library) ee ay islahayd waxa laga heli karaa
kutub, buugaag iyo qoraalo oo ay islahayd dadku way xiisaynayaan.
Dhamaan magaalo madaxdii Soomaaliya ee Muqdisho waxa ku yaalay 4
maktabadood oo ay lahaayeen Maraykanka, Masar, Kuuriyada waqooyi iyo
ingiriiska. Dhamaan Maktabadahaana waxa iridaha loo xidhay 1969-kii markii
uu dhacay inqilaabkii uu xukunka ku qabsaday Siyaad Barre.
Maktabadahaa oo ku yaalay dhismihii Jirde Xuseen ee ku yaalay badhtamihii
muqdisho waxa u sabab ahayd xidhista la xidhay dawladii Siyaad bare oo
markay talada qabatay wada baabi’isay shirkadihii madaxa banaanaa isla
markaanaa waxay la wareegtay dhamaan goobihii madaxa banaanaa,
sidaadarteed sanadahaa mugdiga ahaa may jirin meel waxlaga akhristaa manay
jirin kutub la akhristo oo dalku leeyahay.
Waxa kale oo ay dawladii milatariga ahayd waxa kale oo ay albaabada u
laabtay jaraa’ idkii madaxabanaanaa iyadoo aynu wada ognahay in jaraa’idku
yahay indhaha iyo codka umada marka uu madax banaanyahay isagoo qayb
laxaadle ka qaata hore-u-marka dalka iyo dadka.
Mar madaxweynihii sadexaad ee dalka maraykanka ee la odhan jiray (Thomas
Jefferson) wax laga weydiiyey saxaafada xorta ah wuxuu yidhi “haddii la
igu yidhaahdo dawlad aan jaraa’id xor ah lahayn iyo dawlad la’aan jaraa’id
xor ah leh kala dooro, waxaan dooran lahaa dawlad la’aanta jaraa’idka
xorta ah leh”.
Meelaha laga qiyaasi karo tayada ama baaxada dawladnimo ee dal ka jirta
waxa waa hadba inta la ogolyahay madaxbanaanida fikirka qofka iyo qoraalka.
Hadaba si mustaqbalka soomaaliland u hagaago oo ay dadku wax u
faa’iidaystaan waa in falawgeeda la qabto sidii sidii dalka loo soo galin
lahaa dhamaan qoraalada kala duwan si canshuur ala’aan ah.
1990-kii dalka Ireland waxa haystay dhibaato xaga dhaqaalaha ah iyadoo ay
jirtay 40-milyan oo dulsocod ku ah miisaaniyada dalkaasi, taasoo ay ku
macneeyeen ianay sabab u ahayd aqoonta oo la hour-marinayey.
Colaadii, nacaybkii iyo xasuuqii ka dhacay dalkii soomaaliya la isku odhan
jiray sanadihii dagaaladii sokeeye ee ay dunidu la yaabtay in dad yar oo
walaalo ah ay waxasi ka dhex dhacaan waxaas oo kale waxay ku tusaysaa
jahliga jahliga dalkaa ka jirayintuu le’ekaa, haddii uu dalkii Soomaaliya
yahay dal aqoonta la dhiiri galiyo dalkuba ma burbureen markaa taa
macnaheedu wuxuu yahay dalkaba waxaa burburiyey aqoon la’aan.
Qore: Maxamad Cabdi Sheekh (Ilig).
Top
Waadiga Ciyaaraha: C/fataax M. Caydiid. |
Hirdanka Caawa ee AC Milan iyo Juventus, Keebaa
Hanan Doona Horyaalka Yurub. Labada kooxood aad ayay isku yaqaanaan,
ciyaartuna waa ciyaar loogu tartamayo koob.
AC Milan Vs Juventus.
Manchester, England (W. Wararka) - Cidna Muran kagama jiro in ay kooxaha
Talyaanigu Xilli-ciyaareedkan muujiyeen awood ay ku hanan karaan Horyaalka
Kooxaha Yurub ee loo yaqaan Champions League. Caawa oo ah habeen Arbaca ah
waxa ciyaarta kama-dambaysta ah ee tartankan iskugu iman doona markii ugu
horeysay taariikhda tartanka laba kooxood oo talyaani ah oo kala ah AC
Milan iyo Juventus, taas oo tusaale ugu filan dadka iyagu ku dooda in hoos
u dhac ku yimid kooxaha Talyaaniga ah, waxaanay taasi ka dhigaysaa wax aan
waxba ka jirin.
Waxase isweydiintu tahay labadan kooxood in ay awood u hayaan iyo in ay
soo bandhigi doonaan ciyaar xumo mid ka mid ah ciyaaraha ugu weyn ee
taariikhda koox kasta, iyadoo munaasibadda ciyaartani u dhiganto ciyaarta
kama-dambaysta koobka adduunka oo kale.
Haddii kulankan 190th ee AC Milan iyo Juventus uu soo bandhigo qayb ahaan
ciyaar-wanaagii ciyaartii xiisaha badnayd ee toddobada gool ka dhasheen ee
ay ku hirdameen kooxaha Manchester United iyo Real Madrid, ciyaartaas oo
ahayd is-aragii labaad ee wareegii sideeda kooxood (Quarter finals),
taageerayaasha dhexdhexaadka ah ee ciyaartaa ka soo qayb-gali doonaa waxay
ka tegi doonaan halkaas oo mabsuud ah.
Laakiin, kulaylka aadka ee ay ciyaartani ku hayso kooxkasta, waxa halkaa
ka muuqda in ay baqasho ay koox waliba ka baqo qabto in ay ciyaarta ku
guuldaraysato in ay ciyaarteeda ku soo bandhigto qaab difaac oo badiyaaba
kooxaha Talyaanigu caan ku yihiin, taas oo keeni karta in goolasha
ciyaartaa laga filayaa in ay dhashaan ay aad u yaraadaan.
Waxa iyaduna muhiim in ay labada tababare yihiin qaar is-aqoonsan.
Carlo Ancelotti, tababaraha kooxda AC Milan, tan markii xilka kooxda
Juventus laga eryay sannadkii 2001, waxay rajadiisu tahay inuu ku hirdamo
goobaha tartamada, laakiin wuxuu rajaynayaa inuu ciyaartan ku gacan sarayn
doono, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Labada kooxood aad ayay
isku yaqaannaan, ciyaartanna waa ciyaar lagu ciyaarayo koob, sidaa darteed
waxay ciyaartani noqon doontaa mid aad u xamaasad saraysa. Laakiin, waxa
munaasibad gaar ah ka dhigaysa, kadib markii xulka wadaniga ee Talyaanigu
ku guuldaraystay koobkii adduunka sannadkii hore, waxa muhiim ah in ay
kubadda cagta Talyaanigu muujisay iftiin wanaagsan.”
Kooxda AC Milan waxay ku tartamaysaa in ay markii 6aad ku guulaysato
Horyaalka Yurub. Laakiin, markii ay ku guulaysteen in ay ilaashaan laba
sannadood oo isku xiga in ay ku guulaystaan koobka tartanka kooxaha
Talyaaniga ee Serie A, waa Juventus kooxda ay dadka qaarkii filayaan in ay
ku guulaysato koobkan, waxaana dadka fikradaa qaba ka mid ah Sir Alex
Ferguson, tababaraha kooxda Ingiriiska ah ee Manchester United.
“Waxaan filayaa aniga oo ah kooxda loo martida yahay ama garoonkeeda lagu
ciyaarayo in aan ahaado dhexdhexaad, laakiin waxa aan sharaxayaa in ay ku
guulaysato Juventus,” sidaa waxa yidhi Tababaraha kooxda Manchester United
ee garoonkeeda lagu ciyaarayo ciyaarta kama-dambaysta ah, waxaanu intaa ku
daray Ferguson; “Run ahaantii waxaan jantay ugu horeyntii uu tartanku
bilaabmayba.”
Fillipo Inzaghi oo ah ciyaartoy hore ugu ciyaari Juventus, haddase ah
gooldhaliyayaasha ugu khatarsan kooxda AC Milan, ayaa isagu 10 gool hore u
dhaliyay tartankan xilli-ciyaareedkankan, waxaanu ku rajo-weyn yahay inuu
ka faa’iidaysto ciyaartan kama-dambaysta ah, si uu u dhaafo
ciyaartoyga Ruud van Nistelrooy oo isagu rikoodhka ku haysta 12 gool.
Labada kooxoodba waxaa ciyaartan ka maqnaan doona mid ka mid ah
ciyaartoyda aasaasiga ah, iyadoo Juventus uu ka maqnaan doono ciyaartoy
aad muhiim ugu ah, waxaanu ahaa ciyaatoyga ugu awooda sareeya ciyaar
dhisida Pavel Nedved, sababtoo isagoo qaatay laba kaadh oo huruud ah laba
ciyaarood, kuwaas oo kala ah ciyaartii Barcelona ay la yeesheen iyo tii
ugu dambeysay ee ay Real Madrid.
Dhinaca kale, tababaraha kooxda AC Milan, Ancelotti, ayaa shaki kaga
jiraan in ay ciyaari doonaan labada ciyaartoy ee Jon Dahl Tomasson iyo
ciyaartoyga reer Brazil ee Dida.
Ciyaartan caawa, waxay munaasibad gaar u tahay ciyaartoyga Dutch-ka ah ee
kooxda AC Milan, kana ciyaara khadka dhexe Clarence Seedorf, kaas oo
rajaynaya inuu noqdo ciyaartoygii ugu horeeyay ee ku guulaystay horyaalkan
saddex jeer oo la guulaysto saddex kooxood oo kala duwan.
Seedorf waxa uu ka mid ahaa kooxda Ajax oo iyadu ku guulaysatay 1995 iyo
kooxda Real Madrid oo iyadu kooxda Juventus kaga adkaatay ciyaartii kama
dambaysta ahayd ee horyaalka Yurub 1998.
Sidoo kale, ciyaartoyga ay isku kooxda yihiin ee Paolo Maldini, oo qayb
weyn ka ah kooxda Milan dabayaaqadii sannadihii sideetameeyadii iyo
sagaashanadii, ayaa noqonaya ciyaartoygii ugu horeeyay ee isagu afar jeer
ku guulaysta horyaalka Yurub tan ciyaartoygii Kooxda Liverpool ee Phil
Neal ee sannadihii 1984.
Dhinaca kale, ciyaartoyga xiddiga reer AC Milan, Andriy Shevchenko oo
ciyaartoyga had jeer marka ay kooxdiisu ku jirto xaalad adag ka badbaadiya,
ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu rajaynayo in ay kooxdiisu ku
guulaysan doonto ciyaartan, waxaanu yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya;
“Waxaan rikoodh wanaagsan ka haystaa ciyaaraha aanu la yeelanay Juventus,
waxaan ka dhaliyay ciyaartii aanu kaga badinay 2-1 tartanka Serie A dhawr
toddobaad ka hor. Waxaan kaloon xasuustaa laba gool oo aan ka dhaliyay
ciyaartii aanu kaga badinay 2-0, xilli-ciyaareedkii ugu horeeyay ee aan u
soo wareego kooxda AC Milan.
Waxanan rajaynayaa in nasiibkaygu sii socon doono ilaa Old Trafford.
Waxaanay noqon doontaa mid aad aan u xiisaynayo in aan ka dhaliyo goolal,
taas oo naga dhigi doonta horyaal. Wakhtigana waa mid noloshaydii oo dhan
aan sugaayay. Ciyaartan kama dambaysta ahina, waxay noqon doontaa mid aad
u xiiso badan.”
Isagoo dhinaca kooxda Juventus ka hadlayana wuxuu yidhi Shevchenko;
“Juventus waa tiim wanaagsan oo u qalma inuu horyaalnimo, sidoo kalena
annagu waanu u qaalanaa, waanan hubaa in aanu ka guulaysan doono, maxaa
yeelay hore waxaanu uga soo badinay kooxo magacyo waaweyn leh sida: Bayern
Munich, Deportivo La Caruna, Real Madrid iyo Inter Milan.
Top
|