Xisbiga KULMIYE Oo Ku Eedeeyay UDUB Inaanu Fulin Qodobadii Ay Ku
Heshiiyeen Labada Dhinac, “Xisbiga KULMIYE Jawaab Ayuu Ka Bixin Doonaa
Haddii Aan Loo Wada Hogaansamin Heshiiskaas,” War-Saxaafadeed -
Afhayeenka KULMIYE. |
Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa ku
eedeeyay xisbiga UDUB inuu weli sii wado dacaayadihii ay ballantu ahayd in
la kala joojisto, taasoo uu sheegay inay ka socoto Radio Hargeysa iyo
wargeyska MAANDEEQ.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga KULMIYE oo uu ku
saxeexan yahay af-hayeenka xisbigaasi, Maxamed Iid Dhimbiil dhinacooda
weli way u hoggaansan yihiin ballan-qaadkii ay la galeen salaadiinta iyo
ururka suxufiyiinta ee SOLJA, balse waxa uu ku dooday inaan xisbiga UDUB u
hoggaansamin ballantaasi oo uu sii wado dacaayadihii, waxaanu ku hanjabay
inay ka jawaabi doonaan dacaayadahaasi haddii aanu joojin UDUB. War-saxaafadeedkaas
oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sidan:
“Xisbiga KULMIYE weli waxa uu u hoggaansan yahay ballan-qaadkii uu siiyay
salaadiinta iyo SOLJA ee ahaa in la joojiyo wixii dacaayada, waxase weli
wada dacaayadii xisbiga UDUB, taasoo cadaynaysa in aan xisbiga UDUB u
hoggaansanayn ballanqaadkii uu galay.
Maandeeq iyo Raadyow Hargeysa-ba waxa maanta iyo shalayba (Sabti iyo
Jimcihii) ay sii wadeen caytankii. Su’aal ayay naga tahay in heshiiskii
labada dhinac siiyeen Solja iyo salaadiinta miyuu ka baxay xisbigoodu.
Haddaba xisbiga KULMIYE jawaab ayuu ka bixin doonaa haddii aan loo wada
hoggaansamin heshiiskaas. Waxa kaloo xisbiga KULMIYE uu farayaa
taageerayaashiisa in ay ilaaliyaan heshiisyada iyo wixii kale ee nabada
wax u taraya.”
Top
9
Xildhibaan Oo Ka tirsan Dawladda Carta kana Soo Jeeda Somaliland Oo U
Firxaday Waqooyiga Muqdisho. |
9 Xildhibaan Oo Ka tirsan Dawladda Carta kana
Soo Jeeda Somaliland Oo U Firxaday Waqooyiga Muqdisho.
Muqdisho (Haatuf): 9 Xubnood oo ka tirsan baarlamaanka dawladda C/Qaasim
ayaa la sheegay inay u firxadeen waqooyiga Muqdisho, ka dib markii ay
xaaladoodu cidhiidhi gashay. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee
Muqdisho Yaasiin Maxamed Xubnahaasi waxay rajo ka qabaan in loo qaado
shirka Nairobi, balse waxaa loo badinayaa in halkaa loo afduubay, loona
qafaashay xubnahaasi oo ku jira Hotelka la yidhaahdo Global waxa
warbixintan xaaladooda ka soo diray weriye Yaasiin Maxamed waana tan”Waxaa
muddo laba toddobaad ah ku sugnaa hotelka GLOBAL e ewaqooyiga Muqdisho
Sagaal xildhibaan iyo hal wasiirodowle oo katirsan dowladda kumeelgaadhka
ah kana soojeeda Somaliland.
Sida auu iixaqiijiyay xiis muuse cawaale iyo saalax badbaado mar aan ku
booqday hotelka ay deggan yihiin Waxay iisheegeen in hotelka ay
kusoodegeen casuumad looga fidiyey inay kudegaan hotelka kadibna laga
qaadayo oo loogudbinaayo shirka kasocda Nairobi iyagoo aan golaha
baarlamaanka latashan iyo cidkale toona maanta nin waliba halki dni ugu
jirto ayuu la qabsanayaa sidaa waxaa igu yidhi xiis muuse oo dhoola
cadeenayaa oo ii sheegay in ay ka heleen soo dhaweyn wanaagsan mar aan wax
ka waydiiayay cidda ka bixinaysaa kharashka oo qofkiiba uu ku seexdo
habeenkii $30 dollar wuu ii sheegay in aanu diyaar aheyn in uu ka jawaabo
balse mar aan u kuurgalay ayaa dadka qaar kood iisheegeen in ganacsadaa oo
layidhaahdo Bashiir Raage oo ay isku heeb yihiin maxamed Cumar xabeeb (Maxamed
dheere) waxayna ii sheegaeen in viisoonyinka iyo waxa uu ku howlan yahay
Maxamed warase Cali mar aan wax ka waydiiyay in ay casuumada cidka hadhay
iyo in kale waxey ii sheegeen in ay dadbani ka hadhay oo iska diideen
waxeyna ii sheegeen in ay dad badan ka xunyihiin in aanu kaligayo meel
marno waxaan wax ka weydiiyay sidee ay u arkaan shirkaan Nairobi iyo
booska ay ku yeelan karaan in ay aad ugu han wayyihiin in ay wax ka soo
helaan.
Dhinaca kale oo aan la kulmay Xildhibaan C/llaahi Cabdi Cigaal (suna cirro)
mar aan wax ka weydiiyay kooxda ku xareysan Hotel Golobal wuxuu ii sheegay
(soomaali waxa ay tidhaahdaa meeshaa ku qoysato ayaa lagu qalajistaa)
nimankaas way shakiyeen siyaasada waa laba miishaaroodoo is dhexmareysa
waxaanan ogahay in ay cidla gudayaan oo aanay meel u socdaan iyo meel ay
ka socdaan midna garaneyn markii ugu danbeysay ayee manta ka haraan may
aheen.
Haddaba macagyada nimankaas waa sidan:
1. Xiis Muuse Cawaale
2. Khadar binu caalim
3. Sahal Nuux Ismaaciil
4. Maxamed c/ Cawad
5. Maxamed Cali Ismaaciil
6. Sh.xasan Ismaaciil Bille
7. Xuseen Cabdi Salaan
8. C/rax,maan Cusmaan Dirir
9. Ismaaciil Aadan Samaale
Xildhibaan Sh. Xassan oo gacanta ugu jira koox dabley ah waxaa maalin
15naad gacanta ugu jira Sh. Xasan Ismaaciil Bille oo ka tirasan
xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland mar aan u kuurgalay qabashada
Xildhibaanka ayaa waxa la ii sheegay in uu afduubay nin darawal u ahaa oo
u kireysnaa gaadhi 124 oo isagu ku shaqa tagi jiray sanadkii ugu danbeeyay
waxaana la iis heeg in uu lacaga gaadhaysa $ 15 Dollar kirada gaadhiga
bishi waxay ay aheyd sida la ii sheegay $250 Dollar.
Mar aan wax ka waydiiyay xaaladiisa caafimaad wiil uu adeer u yayhay iyo
wixii xaalkiisa laga yeelayo iyo ciddii ka bixinaysa kharashka wuxuu
iisheegay in aanu hadda carabaabi karin cidda ka bixinaysa balse in uu ka
war-sugayo nimanka Hodheelka dajiyay in ay ka bixiyaan ka warsugayo in
kastoo waqtiga isi sii gurayo haddan muddo laba wiik ah gacanta ugu jiro
waxa ay dadbadi walaac ka muu jiyeen dableyda haysata mar hadii lacag laga
bixin waayo ay dhibaato u soo jiidi doonto sheikha.
Top
Agoonka Cabdi Aw Daahir Iyo Been-Abuurkiisa, Ambassador Cawil Cali
Ducaale. |
Hargeysa (Haatuf): Ambassador Cawil Cali
Ducaale ayaa na soo gaadhsiiyey qoraal uu ugu jawaabayo Cabdi Aw Daahir
iyo C/Raxmaan C/Qaadir oo eedaymo ugu soo jeediyey war ku soo baxay
wargeyska Haatuf maalintii jimcihii, iyaga oo daba socday dood uu
Ambassador Cawil kaga qayb galay Radio Hargeysa, qoraalka Ambassador Cawil
ee jawaabta uu iskaga difaacayo eedaymahaas waxa uu u qornaa sidan:
“Waxaan jawaab ka bixinayaa maqaal uu Cabdi Aw Daahir ku qoray maalmihii
Khamiistii iyo Jimcihii Wargeyska Haatuf, kuwaasii oo ahaa aflagaado cad.
Wiilka ku lamaanaa Cabdi Aw Daahir, weligiis ma arkin, mana aqaano,
waxaana la ii sheegay inaaney maskaxdiisu hagaagsanayn.
Hadalkii aan Radio Hargeysa ka idhi, ayey rag niyadoodu buktaa si khalad
ah u fasireen. Masaal ayaan bixiyey in beelaha Somaliand, la dagaalameen
beel sheegatey iney federal yihiin, iyaga oo badbaadinaya midnimada iyo
jiritaanka Somaliland.
Taasoo beelaha Somaliland xeer ma guuraan ah u noqotay in cid kasta oo
jiritaanka iyo midnimada Somaliland ka hortimaada meel looga soo wada
jeesto. Waxaan tilmaamey inuu bayaankii xisbiga KULMIYE, xeerkii beeluhu
hore u dhigteen si cad uga soo horjeedo, isaga oo gebi ahaanba dafirey
shuruucdii dalka u yaalay dhamaantood, oo xambaarsanaa iney dafirsan
yihiin jiritaanka Somaliland. Hase yeeshee Cabdi Aw Daahir iyo wiilasha
yar yar ee la socdaa, waxay ka dhigeen iney ujeedadaydu ahayd inaan beelo
iska horkeeno. Waxay kaloo ka dhigeen iney hadalkaygii u ku jiray, in
beelaha qaarna adkaadeen, qaarna laga adkaadey, taasoo been abuu cad ah.
Xaasha ujeedada hadalkaygu taasi may ahayn, waanu ka fog yahay sida
guracan ee ay u turjumteen, dad meeli bukto.
Sharaftayda maaha inaan la yooyootamo inan oo geeli ba’ay, agoon
siyaasadeed noqday oo dhaxal raadis ah.
waaa hubaal in marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, uu Cabdi Aw Daahir ka
dhigtay wiilkiisa siyaasadeed meel sarena u qorshaysanayey markuu hawl
gabo. Marxuumkii ayaa tii alle u timid, isaga oo aan dhaxalkii u qorin
Cabdi Aw Daahir Waan garan karaa jaho wareerka haya, wiil uu ka lumay
dhaxalkii aabihii.
Cabdi Aw Daahir, waxaan xusuusinayaa in carruurtii uu dhalay Marxuum
Cigaal ee jidhkiisa ka soo go’day ay samir iyo iimaan ka qaateen
dhimashadii aabahood. Cabdi Aw Daahir-na waxa la gudboon inuu samir iyo
iimaan ka qaato, dhimashada aabihiisii siyaasadeed marxuum Cigaal,
niyadana u sheego inaanu Cigaal dib dambe u soo noolaanayn, dhaxal uu
meelnaba ka helayaana aanu jirin.
Cabdi Aw Daahir waxaan kula talinayaa, inuu ka xishoodo iskana dhaafo
hadal haynta faraha badan ee magaca Marxuum Cigaal, ee siyaasadeysan, sida
erayadii uu ka yidhi xuskii marxuum Cigaal ee ahaa “Ninkii dhaxalkii la
dhuuntaw, ma dhulkaad la hoos geli” iyo tan maanta uu sheegay ee ah
“Marxuum Cigaal ayaa igu odhan jiray, Cawil ha aaminin”.
Waxase isweydiin leh wacadka aan la galay inankan yar ee halawsan ee aan
kaga baxay, isaga oo hadalkiisa u dhigay inaanu wax isku ogayn oo aan kaga
baxay. Cabdi Aw Daahir, waa wada dun xumaadaada inaad qof mootan hadallo
been abuur ah aad ka sheegtid.
Cabdi Aw Daahir, waxaan kuu sheegayaa inaanu marxuum Cigaal is naqaanay,
markaad miyi joogtay ee aad qaawanayd. Arrimaha geeska Afrikana, marxuum
Cigaal mar walbana wuu igala tashan jiray, saaxiibtinimo fiican ayaana
naga dhaxaysay, Eebe naxariistii janno ha ka waraabiyo.
Cabdi Aw Daahir wuu igu dhaleeceeyey inaanan dagaalkii sokeeye ee ay
beeshu la gashay beelaha kale ee Somaliland aan ka soo horjeeday, xaqiiq
weeye, waanan ku faanaa, inaanan dagaal sokeeye ka qayb gelin,
taariikhdana ii markhaati furtey, xaasha inaan dagaal sokeeye ka qayb galo,
mid hore iyo mid dambeba.
Cabdi Aw Daahir waxaan u sheegayaa in markaan safiirka ka ahaa dawladdii
Maxamed Siyaad Barre, aan ahaa safiir la ixtiraamo, hawshiisana si hufan
uga soo baxa.
Cabdi Aw Daahir waxaan u sheegayaa in Ilaahay dalkayga igu dhex siiyey
hanti igu filan, una baahnayn dawlad iyo cid kale toona, sida maanta intuu
sanaati kuu tuuro, madaxa KULMIYE, kugu dirqiyayo inaad I aflagaadayso.
Wuxuu ku siiyo aniga ayaa ku siin kara, oo aan weliba hayaanad lahayn.
Cabdi Aw Daahir, waxaan weydiinayaa meesha aan dad ku laayey, anigu
sidiisa kuma fool-dhaqan dhiigga beelaha uu ka dhashay ee uu iska
horkeenay.
Cabdi Aw Daahir, waxaan xasuusinayaa inuu ahaa markay dawladdu ka shirtay
khilaafkii salaadiinta ninkii ku adkaystay in guriga Suldaan Bare, ee
lixda Suldaan e kale ku jireen, in madaafiic lala dhaco, oo dhulka lala
simo, salaadiintuna halkaasi ku wada dhintaan, iyo maataddii ag deganaydba.
Cabdi Aw Daahir, waxaad tahay inan yar oo ku faraxasha dhiig-daadinta,
taasoo ah shaqaada keliya ee aad khabiirka ku tahay, sida beelaha
walaalaha ah ee aad dhiigooda isugu daadisid.
Cabdi Aw Daahiraw, markaad dooneysay in salaadiinta la gumaado, aniguna
marxuumkii Cigaal, telefoono ayaan uga soo dirayey Nairobi, anoo uga
digaya falkaasi khatarta xambaarsanaa. Xataa marxuum Cigfaal waxaan la
hadalsiiyey shakhsi ay aad u saaxiib ahaayeen, oo isna ka waaniyey
marxuumkii, in salaadiinta oo la gumaadaa sumcad xumo weyn u soo jiidi
doonto madaxtinimadiisa.
Cabdi Aw Daahiraw, waxaan kuu sheegayaa inaan dalkayga Somaliland iyo
dadkiisaba aan jecelahay, una rajaynayo nabad, barwaaqo, horumar iyo
Ictiraaf, dalkayga waxaan u qabtana aanad hadaad boqol sano oo dambe aad
noolaato, aanad u qaban karin.
Cabdi Aw Daahiraw, waxaan kuu sheegayaa inaanan ciddii danta ummaddan ka
hor-timaada aanan ugu habranayn saaxiib, shakhsi, beel amaba xisbi.
Markaan sii raaco dun-xumida Cabdi Aw Daahir, waxaan xasuusta in aniga
Suldaan Cismaan iyo Maxamed Baar-Jeex heshiisiiyey isaga iyo Cali Waran
Cade, oo ka cadhooday jagada xoghayaha guud ee Madaxweyne Cigaal u dhiibey
Cabdi Aw Daahir, markii aanu gacmaha isu saarnay, isaga iyo Cali
Waran-Cade, ayaanu isla fadhigaasi aniga iyo Suldaan Cismaan go’aansanay
inaanu heshiisiino Cali Waran-Cade iyo Madaxweyne Cigaal, una tagno Cigaal
11:00-ka subaxnimo, isla habeenkii ayuu Cabdi Aw Daahir u dusey Madaxweyne
Cigaal, una sheegay qasdiga aanu kulankaasi ka leenahay. Maalintii aanu
aniga iyo Suldaan Cismaan la kulmi lahayn madaxweynaha ayuu 9-kii
subaxnimo madaxweyne Cigaal xilkii wasiirnimo ka qaaday Cali Warancade,
isaga oo madaxweyne Cigaal u arkey inuu hadiday , baqdina geliyey,
wiilkiisii siyaasadeed, uuu soo barbaarinayey, Cabdi Aw Daahir, wuxuu ku
ahaa Marxuum Cigaal khasaare joogto ah, isaga oo kala fogeeyey marxuum
Cigaal iyo wax-garadkii beesha, iyaga oo dhamaantood u arkayey, inaanu
Cabdi Aw Daahir u qalmin jagada uu madaxweyne Cigaal u dhiibay, oo aad u
muhiim ahayd, ay cadaatayna marxuumka oo weli nool markii isaga iyo
guddigii fulinta iyo golihii dhexeba ay is naceen markii uu la kufay, la
jeesay lana marin-habaabiyey awoodii aanu qaadi karin ee garbaha laga
saaray.
Wax-garadka beeshu wey indha-dheeraayeen, nasiib darro haddana Cabdi Aw
Daahir, Madaxweyne Cigaal oon lix bilood mootanayn ayuu xisbigii ku
dur-duriyey oo isaga oo kaba la’ uu banaanka is dhigey.
Cabdi Aw Daahiraw, waxaa ku dhibtey cambaareyntii aan u soo jeediyey
bayaankii KULMIYE, bal aan kuugu celiyo si uu kuugu sii duxo, bayaankii
KULMIYE wuxuu ahaa mid u adeegayada cadawga Somaliland, dhaawac-weyna u
geysanaya Ictiraaf-raadinta Somaliland. Anigoo ka mid ah, ragga ku hawlan
Ictiraaf raadinta Somaliland.
Cabdi Aw Daahiraw, xisbiga UDUB wuu caafimaaday markay banana ku dhigeen,
waayo waxaad ahayd kansar ku dhex jira. Waa ayaan darro inaad dubuurtii
iyo cudurkiiba aad ula tagtay oo aan ka garan karo, sida ay xisbiga
KULMIYE, ugu adkaatay iney erey yidhaahdaan “Xisbiga KULMIYE wuu aqbalay
go’aankii maxkamadda sare ee doorashada”.
Ugu dambayntii, waxaan kula talinayaa iney xisbigooda ka ilaashadaan,
wiilkan yar, ee beelo iyo xisbiba soo gubey, dhaxal-raadiska ah, haatana u
jooga inuu xisbigiina ka tuuro jar iyo haadaan aydaan weligiin ka soo
bixin. Waxaan kaloo Siilaanyo leeyahay iga jooji wiilashan yar-yar ee aan
adeerka u ahay, aad intaad nac-nac soo siisid, ku amreysid Cawil soo
shiida, aniguba wey I ag-joogaan qaar aad adeer u tahay, oo aan odhan karo
Siilaanyo soo shiida.
Ambassador Cawil Cali Ducaale, Hargeysa.
Top
Maxaabiis Siyaasad U Xidhan Oo Aan Maxkamad Lasoo Taagin. |
Hargeysa (Haatuf): Ugu yaraan dhawr iyo toban
qof oo ay hay’adaha amnigu xabsiga u taxaabeen intii ka dambaysay 18 May
ayaa ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Maxaabiistaa oo ka mid ahaa dagaalyahankii SNM, wakhtigan badankoodu
ahaayeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ilaa hadda si
rasmi ah daboolka loogama qaadin sababaha dhabta ee ay u xidhan yihiin iyo
nooca xadhigooda.
Hase yeeshee warar ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha ayaa hore u
sheegay inay maxaabiistani u xidhan yihiin, sababo la xidhiidha
nabadgelyada.
Maxaabiistan oo u badan rag dhalinyaro ah, ilaa hadda ma jirto maxkamadda
sharci ah oo la horgeeyey, isla markaana lagama warhayo muddada uu
xadhigoodu qaadan doono.
Nimankan oo dagaalyanadii SNM- ahaa, waxa ka mid ah Maxamed Axmed Xaashi
Madar (Ina Weere), Maxamed Daahir, Axmed Barkhad, C/Casiis Aadan Habane,
iyo qaar kale.
Top
Sheekada Ninka Aadka U Dheer Ee Ina-Bisad. |
Wargeyska Telegraph - Weriyaha la yidhaahdo
Adam Lusher oo ka tirsan wargeyska “Telegraph” oo kasoo baxa dalka
Ingiriiska ayaa maqaal dheer ka qoray dadka ku uuman carriga Ingiriiska,
isla markaana ah ninka labaad ee ugu dheer dunida, Mr. Xuseen Bisad oo ku
dhashay Somaliland una dhashay.
Maqaalkaas oo uu weriyuhu kaga faalooday dhererka iyo qotonka aan caadiga
ahayn ee Xuseen Bisad iyo mashaakilka ka haysta mujtamaca uu ku dhexnool
yahay ee uu ka mudh-baxay wuxuuna qoraalka uu ninkaa kaga sheekaynayo ku
bilaabay:
“Intuu sidii ilmo-yar madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: “waar ninka
gaaban iska waran,” taasoo aanan qoonsan, marka uu taagan yahay Xuseen ee
aanu kabo gashanayn waa 2.31 mitir, kabaha uu gashadana qiyaastoodu waa
22, taasoo u dhiganta 22 inch, miisaankiisuna waa 171kgm, aniga oo
dhererkaygu yahay 1.75mtr, markaan ishoos taagay Xuseen Bisad waxaan ugu
dhacay meel xundhurta iyo laabta u dhaxaysa, markii dambena kor baan u
eegay, waxaanan la tiigsaday salaan gacan-qaad ah, wuxuuna ii soo
laalaadiyay wax gacan ka weyn oo taygiid ku dhex-luntay, waana gacanta ugu
weyn dunida sida la sheegay, taasoo dhex-roorkeedu yahay marka laga
bilaabo cukurka baabacada ilaa baarka fardhexada 27.15cmtr.”
dhakhaatiirta dalka Ingiriiska oo baadhitaan ku sameeyay Xuseen Bisad ayaa
sheegay in qanjidhada koriinka oo dheecaan saayid ah sii daynayaa ay sabab
u yihiin koritaankiisa deg-dega ah, taasoo dhakhaatiirta ku kelliftay inay
Xuseen ku mudaan irbado joojiya koritaankiisa. Mr. Xuseen Bisad waxa ka
dheer dunida nin keliya oo u dhashay dalka Tuuniisiya oo magaciisa la
yidhaahdo Radwaan Sharbiib oo dhererkiisu yahay 2.35mtr. Hase yeeshee,
Xuseen wuxuu aaminsan yahay inuu noqon doono ninka dunida ugu dheer marka
dhowaan loo toosiyo lugta midig oo miisaankiisa la qaloocsantay.
Waxaana la sheegay inuu dhowaan tegi doono dalka Holland, halkaas oo loo
geynayo mishiinka maskaxda baadha, kadib markii mishiinada dalka
Ingiriiska yaala madaxiisu ka weynaaday, iyadoo dalka Holland loo geyn
doono mishiinada lagu cabiro maskaxda oo noca fardaha loo isticmaalo ah.
Weriyaha oo uu uga waramay dhibaatooyinka uu kala kulmo carriga Ingiriiska
Xuseen wuxuu yidhi; “Wadayaasha Basaska oo inta ay I geeyaan marka aan
dhulka marayo shil geli gaadha, waxaana dhacday maalin maalmaha ka mid ah
in nin gaadhigiisa watay uu firka-naxay markuu I arkay, isagoo markeliya
bireega ku qabtay gadhigii, dabadeedna uu gaadhi kale dabada ka galay
kiisa, waxa kaloo iyana aan la kulmay gabadh gaadhigeedii, iyadoo wadata
intii ay isoo eegaysay gaadhi kale gashay.”
Top
Shir-Madaxeed Paris Uga Furmaya Dalalka G-8. |
Paris (W.Wararka) - Waxa maanta ka furmaya
dalka Faransiiska shir ay ku kulmayaan kooxda dalalka hore ugu maray
dhinaca wershadaha ee loo yaqaan “G-8” waxaana shirkoodaasi Jadwalka ugu
jirta ladagaalanka waxa loo yaqaan argagixisada iyo xadaynta fiditaanka
hubka halista ah, sidoo kale waxay ka wadahadli doonaan arrimo ay ka mid
yihiin kuwa ka taagan dalalka Ciraaq, Kuuriyada Waqooyi, mushkiladda
Bariga Dhexe iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka taagan dunida.
Shir-madaxeedkan waxa loo arkaa mid ay ku doonayaan madaxda dalalkaasi
inay ku xoojiyaan kaalintooda dhaqaale ee ay dunida ka taagan yihiin iyo
hagaajinta cilaaqaadka Maraykanka iyo dalal ka tirsan Yurub, kaasoo
xumaaday muddadii uu socday dagaalkii ay Maraykanka iyo Ingiriisku ku
qaadeen dalka Ciraaq.
Madaxda shirka ka qaybqaadanaysa waxa ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka oo
isku dayaya inuu madaxda dalalkaasi ka dhaadhiciyo inuu sax ahaa dagaalkii
ay ku qaadeen Ciraaq. Madaxweynaha Faransiiska Shaak Shiraak oo ka
hadlayay shirkan uu dalkiisu martigelinayo ayaa sheegay inay ka wadahadli
doonaan sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka dhaqaalaha adduunka iyo
arrimo la xidhiidha hagaajinta horumarka adduunka ee dhinacyada biyaha,
deegaanka iyo gaar ahaan sidii wax loogu qaban lahaa dalalka Afrika.
Shirkani waxa lagu wadaa inuu furo wadahadal ballaadhan oo laga yeesho
dhaqaalaha caalamka, iyadoo lagu martiqaadayo dooda arrintaa ku saabsan 12
dawladood oo ka mid ah kuwa soo koraya oo ay ka mid yihiin Masar, Aljeriya,
Nayjeriya, K/Afrika, Senegal, Mexico, Brazil, Shiinaha, Switzerland,
Morroco, Malaysia iyo Hindiya, iyadoo la doonayo in la sameeyo iskaashi
cusub oo dhexmara dalalkaasi iyo kuwa G-8 oo kala ah; Maraykanka,
Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, Ruushka, iyo Kanada.
Top
Madaxweynaha Maraykanka Oo Taageeray Dhismaha Dal Madaxbanaan Oo
Falastiin Leedahay. |
Warsaw (W.wararka) - Madaxweynaha Maraykanka,
George W. Bush oo ay u dhammaatay booqasho uu ku tegay dalka Poland ayaa
sheegay inuu dedaal u geli doono sidii nabad waarta looga islaaxin lahaa
Bariga Dhexe iyo sidii ay heshiis waara u gaadhi lahaayeen
Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiintu, si taasi ay dhabada ugu xaadho
dhisitaanka dawlad ay leedahay Falastiin oo ka dhinac samaysanta Israa’iil,
iyadoo labada dhinac ay nabad isku ag-deganaadaan. Waxaanu sidaa ku
sheegay hadal uu ka jeediyay gebogebadii booqashadii uu ku tegay Poland,
isagoo wadahadal la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Alexander Kefaranivisk,
isagoo intaa ku daray in tallaabooyinka ay qaadeen labadaasi dhinac
beryahan dambe ay tahay mid dhiirigelinaysa sidii loo horumarin lahaa
wadahadalka nabadeed ee ka socda Bariga Dhexe. Waxa kale oo uu ku baaqay
in dalalka caalamku ay la dagaalamaan waxa uu ugu yeedhay argagixisada iyo
in la iska kaashado sidii looga dabar-jari lahaa adduunka.
Booqashadan kadib madaxweynuhu waxa uu u ambabaxay booqasho uu ku tegay
Ruushka, kadibna waxa maanta ka qaybgelayaa shir-madaxeedka G-8 ee ka
dhacay dalka Faransiiska, kadibna waxa uu amba-bixi doono booqasho uu ku
soo mari doono dalal ka tirsan Bariga Dhexe si uu u dhiirigeliyo hanaanka
nabadda Bariga Dhexe oo lagu wado in shir lagaga wadahadlo arrintaasi lagu
qabto dalalka Masar iyo Urdun toddobaadkan soo socda.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Imisa Qof Ayaa Sanad Walba
U Dhinta Sigaar Cabista? |
Sannad kasta waxa u dhinta sigaar cabista dad
gaaraya ilaa 2.5 million oo qof aduunka oo dhan, Maraykanka keliya ayaa
waxa u dhinta ilaa in kabadan 400,000 oo qof, iyada oo laga mam nuucay
meelaha baarar ka ah iyo meelaha shaqooyinka iyo weliba in laga iibiyo
sigaarka dadka da'doodu ka yar tahay 18 jir, iyada oo dadku u dhimanayaan
sigaarka ayaa haddana shirkadaha soo saara ay ka helayaan faa'ido [profit]
aad u badan.
Sidee bay u helaan faa'idadaas? Waxaa jira intaas oo sharci oo ka soo
horjeeda sigaarka sannadkii 1998 ayaa sharci la soo saaray in aan sigaarka
lagu cabin baarar ka [maqaayadaha], document laga helay shirkada weyn ee
Philip Morris ee sigaarka ayaa sheegtay in arintaasi u yeelan doonto
xaalad dhaqaale oo xun shirkadaha, sedex amaba shan sigaar oo uu yareeyo
qofka cabaa ayaa khasaaro ugu filan shirkadahaas oo wayaya lacag dhan nus
million dollar sanadkiiba.
Dedaal ay ku rabaan inay jeclesiiyaan dadka sigaarka caba ee u ah
macaamiisha ayay sameeyaan, beeno iyo waxyaabo khayaali ah oo xayeysiina
ayay soo bandhigaan si ay u soo jiitaan dadka caba sigaarka, una sameeyaan
dedaal ay hoose ugu dhigayaan kuwa ku ah mucaaradka ee soo saara shuruucka
ku lid ka ah, si ay u helaan faaiido.
Bal kawaran waxyeelada uu u gaysto sigaarku caafimaadka qofka aan cabin?
Sannadkii 1993 ayaa waxaa warar shegeen in qofka aan cabin sigaarka
laakiin agtiisa lagu cabo uu ku dhaco sanbab xanuuna uuna qaado cudurka
Cancer-ka iyo laguna arko dhuunta oo cuduro ku dhacaan, waxaana arintaas
sii cadeeyey boqolaal baadhis oo la sameeyey, iyada oo ay hadda leeyihiin
shirkadaha sigaarku waxaas oo dhan ayaa been ah.
Philip Mosrris war uu sii daayey sanadkii 1987 ayuu ku sheegay in dedaalka
ka dhan ka ah sigaarku uu 600,000 oo dhalinyaro ah ka xanibay inay cabaan
balwadaas sigaarka, sanadkii 1978 ayaa la sheegay in ay ugu badan yihiin
dadka caba sigaarka nooca Marlaboro dadka da'doodu ka yar tahay 17 sanno
iyo weliba kuwa dhigta iskuulada sare, waxaana la ogaaday in sigaarku uu
dilo in kabadan 20,000 oo qof Maraykan maalintiiba.
Mucaaridida sigaar cabida ayaa ah mid hadda aad loo maqlo dalka Maraykanka.
Sigaar cabdidu waa dilaa dila dadka in ka badan inta ay dilaan shilalka,
cabista khamirga iyo weliba isdilka iyo AIDS-ka.
Shirkadaha sigaarka ayaan kala eegin qofka waxa uu yahay ee laakiin waxay
eegtaan doolarka jeebkooda kusoo dhacaya.
Qofkasta ayaa og dhibtiisa sigaarka iyo sida uu wax u dilo, markaa waa
inaan iskaga fogaanaa, ma igu raacsantahay akhristow?
Dalka Somaliland ayaa uu sigaarku ka helay fursad aan la maamulayn
[control], iyada oo ay sigaarka cabaan dad aan yarayn oo aad u badan oo
dhalinyarada u badan, mana ku fikirayaan inay joojiyaan sigaarka xataa ma
yaqaanan inay kala baxaan qolka ay kujiraan ciyaalkoodu amaba qolka jiifka.
Badnaanta sigaarka Soomaliya waxaa sababay iyada oo yar yihiin wacyi
galinta halista sigaarku u lee dahay caafimaadka qofka, Somaliya ma jirto
hay'ado dawli ah oo xakeemeeya isticmaalka sigaarka oo aan lahayn goobo
xuduudeed uu ka xaniban yahay.
Cabista sigaarka ugu badan Somaliya waxaa aad loo cabaa marka la cunayo
Jaadka (qaadka) Waxaa jira qaylo badan oo ka digaysa cabista sigaarka ee
Afrika, hay'ada caafimaadka aduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WHO
ayaa sheegtay dhowaan in dadka Afrika ay cabaan sigaarka inta ugu badan
aduunka, waayo waxaa u geeysanaysa aqoon la'aanta iyo shaqo laanta ku
badan Afrika.
Shirkadaha sigaarka ka ganacsada ayaa ka sameestay Afrika xarumo waa weeyn
oo warshado ah, iyagoo ka soo cararaya lacagta tirada badan ee dalalka
horumaray ku soo rogaan canshuurta warshadaha sigaarka soosaara, waxaana
afrika ugu baaqda lacag badan oo ay ku bixin jireen canshuurta, waxaana
wax lala yaabo ah iyada oo aanay waxba ka qaban dowladaha ka jira Afrika.
maamul ka jira Somaliland ayaan xil iska saarin halista sigaarku ku hayo
dadkooda gaar ahaan dhalin yarada, iyadoo ay maalinba maalinta ka
danbeeysa ay sii badanayso dadka baranaya sigaarka dalka Somaliland, si
gaara dhalinyarada.
Sigaarka oo guba amaba madoobeeya wejiga qofka oo dila quruxda ilkaha ayaa
waxa ugu daran ee uu keeno ay tahay cancer ka iyo sanbabada oo madoobaada
iyo weliba shaxaad aan xishood lahayn.
Cabdulfataax Sheikh Cumar Caraale.
ARALEVIP@hotmail.com
Madras,INDIA.
Top
Mudane Siilaanyo Tabashooyinkaaga Uga Tanaasul
Shacabkaaga Somaliland. |
Waxaa aan shaki lahayn inay jiraan waxyaabo
badan oo ay ka cabanayaan xisbiga Kulmiye oo ubaahan in la daaweeyo lagana
wada hadlo oon layska dhaga tirin iyada oo lagu mashquulsanyahay guusha uu
gaadhay Xisbiga UDUB, Xisbiga Kulmiye waa Xisbi ay ku hoos jiraan
Mujaahidiintii Somaliland ka soo dhiciyey Faqash iyo Afwayne waana kuwa
loo baahan doono haday khatari Somaliland kaga timaado cadowga ku gadaaman
ee marnaba ogolayn inay Somaliland taabo gasho. Xisbiga Kulmiye
doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa uu ka soo hooyey natiijo aad iyo aad
u saraysa taas oo uu ku sigtay inuu ka guulaysto Xisbiga Xukuumadda oo
isticmaalayay waxyaabo badan oo uuna haysan Xisbiga Kulmiye, hadii uu heli
lahaa ayna “laba cali” kuwada hadleen guushiisa Madaxtinimada Somaliland.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Ahmed Mahamed Mahamoud “Siilaanyo” oo
ah Mujaahid Qaaliya oo waxbadan u soo qabtay dib u xoraynta Somaliland
ahaana gudoomiyihii SNM hay’adii uu ka biyo diiday arimuhu sida ay u
dhacayeen maaha in la laalo wax qabadkiisii hore iyo sharafta iyo xaqa uu
ku leeyahay Somaliland mana haboona in laga dhaleeceeyo warbaahinta,
dareenka dadkana lagu soo jeediyo iyada oo la leeyahay Somaliland ayuu
burburinayaa.
Bal u fiirso ereyada qaaliga ah ee mudane Siilaanyo ku jawaabay waraysigii
BBC du la yeelatay markii Xisbigiisu diiday natiijadii kumeel gaadka ahayd
ee Komishanka doorashooyinku soo saaray waxa Mr. Siilaanyo la waydiiyey
talaabooyinka ay qaadi doonaan hadii ay diideen natiijadii la soo saaray.
( Wariyuhu wuxuu filayey in Mr. Siilaanyo ku jawaabo dagaal baanu qaadi
doonaa) laakiin waxuu ku jawaabay sidatan:- (annagu ka dhigi mayno
wadankayaga sidii Cali Mahdi iyo Caydiid yeeleen xaasha dadka reer
Somaliland na uma qalmaan arintaas) ereyadaas oo dajiyey dadwaynaha,
hadaba aniga oo ah Muwaadin dhalin yar ah waxaan si xishmad leh ugu soo
jeedinayaa Mudane Siilaanyo in uu uga taanaasulo tabashooyinkiisa iyo
waxyaabaha uu ka biyo diidsanyahay, isaga oo ku furanaaya shacabkiisa iyo
Somaliland soona saaro bayaan uu ku aqbalay wixii ka soo baxay Maxkamada
sare. Si ayna uga faaiidaysan siyaasiyiinta uu loolanku ka dhaxeeyo isaga
iyo shacabkana aan laysugu dhufan.
C/Casiis Maxamed Yoonis(Ansaari).
Hargaysa, Somaliland.
Top
Xeeraw Maxaad Tahay? Gar-Yaqaan Rooble Maykal Mariano. |
Waxaan hambalyaynayaa ummada reer Somaliland
meel kasta oo ay joogaan ba sidii nabadgelyada iyo is xilqaanka lahayd ee
ay uga soo baxeen doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhacay. Mar labaad
waxaan si gaar ah u hambalyaynayaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka
loo doortay hogaaminta dalka shanta sano ee soo socota.
Xisbiyada tartarka ka qayb galay si wadajir ah ayey u ogolaadeen gudida
doorashooyinka iyo maxkamada sare ba inay u garsooraan ( wax rag ku
heshiiyey ayaana u xeer ah),doorashooyinka iyo xukumada soo baxay na
xeerka hortiisa waxay noqonayaan xalaal. Sidaa darteed ha laga gudbo
muranka ku saabsan doorashooyinkaas.
Labada xisbi ee ah UDUB iyo KULMIYE waxaan kula talinayaa ama ku
baraarujinayaa in ay metelaan ummada Somaliland oo dhan ee aanay iska
dhigin inay metelaan koox yar. Sidaa darteed xaalad abuur ka timaada Udub
iyo dawlada ama Kulmiye iyo mucaaradka maaha mid ummadu qaadanayso.
Idaacadaha, jaraaidka iyo Telefishanka yaan loo adeegsan ama laga dhigin
mikrifoon nin mansab ama darajo doon ahi ku adeegto iskuna cadeeyo.
Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin mid baan leeyahay; markii
hore kabo aanu lahayn buu gashanaa, oo waxay ahaayeen kuwo dhaxal ugu soo
wareegay oo hadii talaabadiisa la garan waayo waa loo garaabayey. Maantase
mar haddii ummadu dooratay waxaa loo geliyey kabo le’eg, waxaynuna daawan
doonaa talaabadiisa, laguna xisaabtami doonaa. Golaha maamulka erigooda
iyo magacaabidoodu isaga ayey u taalaa, kana sugi mayno xal ee xul ayaanu
ka sugaynaa.
Tu labaad, golayaasha loogu talogalay maamulka Somaliland iyo
masuuliyiinta sheeganaya masuuliyad ( G/Wakiilada, G/Guurtida iyo Golaha
Xukuumada) wax la doortay oo sharci maanta kursiga ugu fadhiya waxa jira
madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Sidaa darteed si loo xalaaleeyo maamulka
Somaliland waxaynu ku qasbanahay ummad ahaan kol hadii doorasho u dhacaysa
golayaasha aanay jirin in la qabto shir degdeg ah oo lagu bedelaayo
golayaasha hadda jira, shirkaas oo ay la gudboon tahay sadex arimood:-
Gobolada iyo degmooyinka doorasho aanay ka dhicin in lala talo wadaago.
Distoorka Somaliland ee qabyada ah ee kala dhantaalan in la dhamaystiro
lana toosiyo.
Golayaasha la doortay 1993kii ee loo arkaayey xal ee aan xulka ahayn in
lagu bedelo cid xul ah oo dadku ka wada raali yahay. Golayaashu waxay
muujiyeen inaanay diyaar u ahayn doorashooyin iyo inay madashii soo
magacowday masiirkeeda dib ugu celiyaan. Talo ahaan arinta u taala
mucaaradka iyo madaxweynaha la doortay ee shirkooda la naawilaayo arintaas
ha noqoto.
Ragga ku waageersan madaxweynaha ee mansab doonka ah hadday qiimo
leeyihiin oo ummadu ku kalsoon tahay golayaasha ha soo galaan hana la arko
cida rabta.
Raga ku waageersan madaxda mucaaradka ee is bidaya ee iyaguna mansab
doonka ah ha ka soo qaybgalaan golyaasha oo kalsoonida lagu qabo ha
muujiyeen. Madaxweynaha iyo madaxda mucaaradka ba xal bay u tahay,
culayska lagu hayo na way ka dul qaadaysaa, ummada Somaliland na tababar
iyo tartan rasmiya ayey u ahaanaysaa qiimaynta raga isu sharaxi doona
golayaasha marka doorasho rasmi ahi timaado sanad ama laba sano dhexdood.
Waa qosol iyo maadays; qas iyo khilaaf abuuraya golayaal aan la dooran oo
had ba is dooranaya ama riiq dheeraysanaya hadii ay labadaa sano sii
haystaan, doorashada madaxweynaha ee hadda rasmiga u dhacday na way qiimo
tiraysaa.
Kama rabo dawlad iyo mucaarad toona mansab ee waxaan u baanayaa
nabadagelyada iyo jiritaanka Somaliland.
Dhanxiirkana mid baan u sheegayaa Burco waa halkii lagaga dhawaaqay
Somaliland markii la waayey magaalo iyo gobol kale oo lagu qabto shirka.
Burco waa magaalada qudha ee Somaliland u ah xabagta iyo tolmada isu haysa
qaranimada Somaliland. Haddii aanay ku gadoodin dagaal sokeeyayaashii
dhacay waqtigii C/raxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Ibraahim Cigaal. Burco
iyo Bari toona maaha kuwo ku gadoodaaya doorasho xalaal ah oo aan wax ba
la is dheerayn. Dhanxiir malaha waanu toban sano jirsan ee wuu ogaan lahaa
warkan danbe ee aan u soo jeedinaayo.
Garyaqaan Rooble Maykal Mariano.
Top
Asal ahaan marka la eego dalkan maanta aynu ku
noolnahay ee JSL waxa uu soo maray marxalado aad u adag, amase aad u
balaadhan taas oo dhalisay in dhiig badani ku daatay, taas oo ay u
dheerayd dhimasho, dhaawac, iyo hanti burburtay.
Taasi waxay dhalisay in aynu maanta la soo noqonay xornimada iyo
jiritaanka JSL, isla markaana aynu hadhsanayno waxa haddaba Somaliland waa
mid cadawgeeduna uu badan yahay, markaa taas laga yimaado Somaliland waa
mid haykal dawladnimo iyo hanaan xukuma sharciyo iyo nidaamyo adag, kuwaas
oo samaystay dastuur shacbweynaha Somaliland isla markaana u codeeye 97%
dastuur.
Haddaba haddaan dulucdayda faaladan hoos ugu yara dhaadhaco, waxa aad iyo
aad ugu batay hadalada ka soo yeedha gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, isaga oo
ahaa kii ku hadlay xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo ka dib markii xisbiga
UDUB uu ku guulaystay in uu noqdo madaxweynaha Somaliland.
Haddaba waxa fajiciso ku noqotay filanwaagii ku dhacay Siilaanyo isaga oo
aan ku qancin, waxaanu noqday sidii ardayga iskuulka dhigtay marka
imtixaan la qaado odhan jiray waxa dan gaara ama si gooni ah ayuu
cidhiidhin jiray”.
Oo isaga oo iga goostay imtixaankii oo iriday sidaas ayan u dhacay, ee ha
la ii baadho, imtixaankaygii.
Axmed Siilaanyo soo kii diidanaa markii distoorka ama distuurka uu
samaynayey marxuum Cigaal, markuu dhintayna samaystay xisbi, haddaba
markee ayuu saxsanyahay waxyaabo badan ayaa jira wax u dhimi lahaa
Somaliland, in Ilaahay fashiliyey.
Waxaan aan kugula talin lahaa waxaad noqotay geed qolofi ka dhacday ee
nasiibkaaga ayuunbaad heshay, ee ka daa ummadda waxa qas iyo muran u
keenaya shacbiga.
Axmed Cali Saasaale.
Hargeysa.
Top
Dhallinta Somaliland Iyo Isticmaalka Internet-Ka. |
Waxa la ogsoonyahay in beryahan danbe ay
aduunku noqotay xaafad yar oo iska war heysa taas oo ay keentay heerka
laga gaadhay technologiyada caalamka, taas oo ah mid wax tar weyn u leh
binu aadam ka iyo waxii la xidhiidhaba.
Laakiin dhinaca kale ayaa waxa aad arkaysaa dhibaatooyin ay keenayso
tehcnologiyadu iyada oo ah si xun u isticmaalka iyo weliba khatarta ah in
aan laba aqoon wax yaabaha qaar oo la iska soo saaray uun.Dalka aya waxaa
aad ugu soo kordahaya waxa la yidhaahdo technologiyada,taas oo sababtay in
wax yaabo aan la heli jirin la helo sida is gaadhsiin jaban iwm. Laakiin
waxa ay sababtay in dadka qaar u isticmaaleen technologiyada si khaldan
waxaana tusaale loo soo qaadan karaa waa internet ka shabakada ,oo ay
dadka qaar u isticmaalaan si aan habaysneyn weliba waxaa u badan dadka ku
nool dibadaha weliba europe amaba america iyo dalalka horu maray, kuwaas
oo gala saacado aad u tiro badan kuna khasaarsha lacag aad u badan Taas
waxaa kelifaysa dadka oo sheega in ay boring kaga dhuumanayan laakiin
maaha sidaa ee waa iyaga oo hela lacag ku filan oo ay ku baxshaan net ka
isticmaalkisa taasoo sababta in kii wax baran jirayna ay kusoo laabtaan
maadooyin amaba looga reebo wax barashada absent kiisa oo batay kii
shaqeeyn jirayna uu la midyahay.waxa aad arkaysaa dad gelaya meelo badan
oo ka mida net ka sida MIRC da iyo PALTALK ga iyaga oo ku khasaarinaya
waqti in ay la chat-amaan qof aanay aqoon amaba aragba oo ay is
weedaarsadaan jacayl aan u badneen inuu rumoobo.
Net ka ayaa waxa badanaa isticmaala dadka dhalinta ah ee da doodu u
dhaxeeso 18 ka ilaa 33 ka waa baadhitaan la sameeyey taas oo keenta in uu
qofku ka helo wax yaabo badan oo xumaana iyo wanaaga dadka ayaa waxaad
arkaysaa qof dul fadhiya net in kabadan 8 saacadood kaas oo xata aan ka
caajisayan,waxaa is weydiin leh qofkaasi miyaanu xisaabtamayn,laakiin
jawaabtu waa ,dadka qaarbaa ayaguba jaadka cuna in kabadan 24 saacadood oo
isku xiga waana la mid uun.
Waalidka dhalinta ayaa u heysta inay dhalintoodii ay wax soo baranayaan
laakiin ma oga in ilmahaasi uu ka kacayo hurdada 4 galabnimo uuna u kacayo
cunto iyo internet ka,habeenkiina uu seexanayo xili ay tahay 4ta amaba 5ta
danbe ee salaada subax isaga oon tukan. Waa wax laga murugoodo oo aad u
naxdin leh waxaana u soo jeedinaya dhalinta in ay iska daayaan falkaas xun
ee isticmaalka saacado badan internet ka iyo kuluminta waqti badan. waxaa
lagu cadeeyey baadhis cilmiyeed in qofka badana istcimaala computer ka
saacado badan uu la kulmo indha la aan iyo fadhiga badan oo u keena
dhibaato badan.
ABDULFATAH SHEIKH OMER ARALE.
ARALEVIP@hotmail.com
India, Madras.
Top