Wefti Ka Socda Baanka Aduunka Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland. |
Hargeysa (Haatuf): waxa dalka Somaliland shalay
booqasho saddex cisho ah ku yimid wefti ka socda baanka adduunkaa oo ka
kooban 7 qof.
Weftigan oo uu hogaaminayo Mukhtaar Diouf oo ahaan jiray wasiirka
maaliyadda Sinigaal, waxa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay mid la
xidhiidha mashaariic yar yar oo baanka adduunku ku talo jiro inuu ka
fuliyo dalkii hore la iskugu odhan jiray Soomaaliya, waxayna weftiga isla
shalay booqasho sharaf ugu la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, weftigu mudada ay joogaan Somaliland
waxa la filayaa inay la kulmaan masuuliyiinta wasaarada kala duwan, sida
ay sheegayaa ilo ku dhaw dhaw xafiiska qaramada midoobay ee Nayrobi,
baanka adduunkaa uu danaynayo inuu wax ka qabto waxa ka mid ah, ka hortaga
cudurka HIV/AIDS iyo mashaariic yar yar oo la xidhiidhaa abuuritaanka ilo
dhaqaale oo ay dadka manafacaafsadaan.
Booqashadani waa tii ugu horeysay ee xubno ka socda baanka adduunku ku
yimaadaan Somaliland, tan iyo intii madaxbanaanidiisa la soo noqday.
Baanka adduunka oo inta nabada maal geliya mashaariic horumarineed oo laga
fuliyo dalalka caalamka saddexaad, haddana kama muuqato ujeedooyinka
weftigaa Somaliland u yimid wax hawlo aho oo ku saabsan mashaariic
horumarineed.
Hase yeeshee waxa suurta gal ah in xubnaha weftigan ay ku taliyaan in
baanka adduunku uu wax ka qabto baahiyaha dalka ka jira, dhinaca
horumarinta.
Top
Weftiga
Somaliland Ee K/Afrika Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Ra’iisalwasaaraha
Mozambique Johansburg. |
(Haatuf): weftiga Somaliland ee booqashada ku
marayay dalalka Koonfurta Afrika ayaa shalay ka soo ambabaxay dalka
Koonfur Afrikaa iyaga oo u soo jeeda dhinaca dalka Itoobiya.
Weftigu intii uu dalka Koonfur afrika joogay waxa la sheegay inuu la
kulmay wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi, iyo masuuliyiin ka tirsan
xisbiga ANC oo ah xisbiga talada dalkaasi haya.
Sida ay noo sheegtay Jawaahir Maxamed cali oo ah wakiilka Somaliland ee
dalka Mozambique, waxay weftigu booqasho gaar ah ku tageen dalka
Mozambique 29-kii May, iyaga oo halkaa kula kulmay ra’iisal wasaaraha
dalkaasi Mr. Mocumbai, waxa kale oo caasimada dalkaas ee Mabuto kula
kulmeen wasiirka Deegaanka John Kachamila oo isagu mar hore booqasho ku
yimid Somaliland sida ay noo sheegtay Jawaahir Maxamed Cali, weftiga oo ka
kooban wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Siciid Gees, wasiirka deegaanka
Maxamed Muuse Cawaale iyo wasiirka qoyska Edna Aadan waxay booqashada ay
Mozambique ku tageen kala kulmeen soo dhaweyn aad u fiican, hawlihii ay u
tageen waxay ku dhamaadeen guul.
Waxa la filayaa weftigu inay maanta wada hadalo Addis Ababa kula yeeshaan
wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya.
Top
Imaaraadka Carabta Oo U Digay Dadka Aan Ruqsada Haysan. |
BBC-Waddan dadka u dhasahay ay 25% kaliya ka
yihiin tirada dadka jooga arimaha socdaalka iyo dadka ku jooga
sharci-daradu waa mowduuc xasaasi ah.
Waxa loo arkaa socdaalku in uu saameyn ku leeyahay ammaanka, dhaqanka,
diinta iyo mowduucyo kale oo haatan kulul..oo ah fursadaha shaqo ee
Imaaraatka yaalla.
Marka, la yaab malaha in masuuliinta Imaraatku ay siddeetan ilaa boqol kun
oo qof oo aan sharci lahayn ay u ogolaadaan in ay waddanka ka baxaan
iyagoo aan la ganaaxin.
Dadka ka baxaya Imaaraatka intooda badan waxa ay ka yimaaddeen Koonfurta
Asia iyo Bariga Fog. Intooda badan dadkaasi waa shaqaale ka shaqeeya
dhismayaasha oo aan xirfado lahayn iyo kuwa hawlaha guryaha ka shaqeeya.
Qaar ka mid ah dadkaas ayaa Imaaraatka ku galey Viise ziyaaro ah, ka dibna
iska joogey si ay u shaqeeyaan.
Dadkaas qaar ka mid ah waxa ay Imaaraatka ku xanibmeen iyagoo qaarkood
lacag yar heysta, markii shirkadihii ay u shaqeenayeen la xidhey.
Markii cafiskii koobaad loo fidiyey dadkii sharci-darada ku joogey
Imaaraatka sanadkii 1996dii, in ku dhow laba jibaar dadkii lagu tuhunsanaa
in ay sharci darado ku joogaan ayaa waddanka ka dhoofey.
Wakhtigan haatan la joogo, sharciyo adag iyo nidaam cusub oo loo dajiyey
socdaalka ayaa qaar badan oo dakaas ah marka horaba waddanka dibaddiisa ku
reebey oo u diidey in ay Imaaraatka soo galaan.
Cafiskan waxa uu soo galitaanka ku adkeenayaa kuwa laga yaabo haddii ay
Imaaraatka soo galaan in ay sharci darro hadhow ku sii joogaan.
Si haddaba loo adkeeyo in aanay Imaaraadka ku soo laaban dadka haatan
cafiska la siiyey ee sharci la'aanta ugu dhofaya halkaas, waxa qof kasta
la marsiinayaa fara qaadis iyo in laga masawiro barta madow ee qofka
ishiisa ku taal.
Waddanka Imaaraatka Isku tagey waxa ay rumeysanyihiin in mashruucani lagu
dhoofinaya dadka aan waddankooda Iqaamadaha ku lahayn, in ay hoos u
dhigeyso guud ahaan dambiyada waddankaas ka dhaca, iyadoo islamarkaana
wanaajineysa ammaanka kuwa halkaas sharciga ku heysta ee ku nool.
Waxa weliba la qorsheenayaa in ciqaabta lagu sii adkeeyo kuwa iska dhaga
tira sharcigan cusub, iyadoo qofkii sharcigan ku gafa laga yaabo in la
xidho xadhig gaadhaya toban sanadood iyo ganaax lacageed oo ka badan $2500
oo doolar.
Top
Guddi Xaqiiqo Raadis Ah Oo Booqday Puntland. |
BBC_ Wafdigii xaqiiqa-raadinta ee maalmahanba
socodka ku marayay Soomaaliya ayaa Axaddii ka ambabaxay magaalada Bosaso
oo ay yimaaddeen galinkii dambe ee maalintii Sabtida.Wafdigan oo ka
koobnaa xubno ka kala socday Midowga Yurub, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo
xubno ka tirsan guddiga hubka dhigista waxa uu subaxnimadii Axadda Xarunta
Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland
Cabdullahi Yusuf Axmed iyo xubno ay ka mid yihiin Cabdullahillahi Sh.
Ismaacil, Hilowle Imaam Cumar, Max'ed Max'ud Guuleed iyo General Max'ed
Siciid Xirsi Morgan.Cabdullahi Yusuf Axmed oo kulankii shalay ka hadlay
ayaa u sheegay guddigan xaqiiqa raadisaka ah inuu aad u soo dhowaynayo
arrinta ku saabsan hub-ka-dhigista Somaliya isla markaana uu oggol yahay
in ciidamo shisheeye ah oo hawshaas fuliya la keeno Somaliya sida uu ii
sheegay Wakiil Ku-xigeenka Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdishakuur Mire.
Waxa uu intaas ku daray Cabdullahi Yusuf in ciidamada Puntland ay diyaar u
yihiin inay ka qaybgalaan hawshan hub-ka-dhigista isagoo intaa raaciyay in
aanay jirin dawlad uu ka horjeedo inay ka qaybgasho barnaamijka hub-ka-dhigista
ee laga fulinayo Somaliya.
General Masobe oo u dhashay dalkaasi Kenya isla markaana ahaa madaxa
guddigan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhoweeynayo
heshiiskii dhowaan magaalada Bosaso ku dhexmaray maamulka Puntland iyo
mucaaradkii ka horjeeday.Waxa kaloo uu sheegay Jananku in ujeeddada
socodka ee wafdigiisu yahay in uu u kuurgalo sida uu u hirgalay heshiiskii
xabbad joojinta ee ay hogaamiyayaasha Somalida ku saxiixeen shirka Kenya
iyo inuu daraasad ku sameeyo sida hub-ka-dhigis looga hirgalin karo
Somaliya.
Intaa ka dib waxa guddiga loo gudbiyay qoraal ay wadajir u saxiixeen
Madaxweynaha Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed, Cabdullahi Sh. Ismacil,
Hilowle Imam Cumar, Max'ed Max'ud Guled iyo Jeneral Morgan. Waxa uu
qoraalkan ku saabsanaa mowqifka siyaasiyiintan ee ku saabsan barnaamijka
hub-ka-dhigista Somaliya iyo talooyin kale oo isla arrintan la xidhiidha
oo ay soo jeediyeen.
Arrimaha muhimka ah ee uu qoraalkan xambaarsanaa ayaa waxa ka mid ahaa in
hub-ka-dhigista Somaliya aanay la jaanqaadi Karin duullaanada iyo kooxaha
doonaya inay xoog ku qabsadaan ama ku haystaan degaanada dadka kale sidaa
darteedna ay lagama maarmaan tahay in arrimahas meesha laga saaro marka
hore.
Waxa kaloo uu soo jeedinayaa qoraalkan in hub-ka-dhigistu ay mar kaliya ka
wada hirgasho dalka oo dhan, isla markaana meelo cayiman iyo mashaariic
dhaqan celineed loo sameeyo malleeshiyooyinka hubaysan iyo weliba in hubka
noocyadiisa oo dhan dadka laga dhigo.
Arrimaha kale ee ay qoraalkan ku soo jeediyeen siyaasiyiintan waxa ka mid
ah in lagama maarmaan loo arko in Somaliya la keeno ciidamo faragalin iyo
nabad-xoojin oo caalami ah safka horena ay kaga jiraan dalalka ku jira
ururka IGAD.
Malleehiyooyinka aadka u hubaysan ee ay leeyihiin ganacsatada,kuwa
hay'adaha samafalka iyo kuwa madaxa bannaan ee ka jira Somaliya ayaa
qoraalku ku talinayaa in lagu daro hub-ka-dhigista.
Ugu dambayntii waxa ay hogaamiyeyaashani soo jeediyeen in meelaha uu qasku
ka jiro oo ay ku tilmaameen laga bilaabo muqdisho ilaa xuduudaha Kenya iyo
Itobiya laga hormariyo qaybaha kale ee Somaliya ee ay nabaddu ka jirto waa
sida ku cad qoraalka'e.
Marka la soo ururiyo waxa madaxda qoraalkan saxiixday aad ugu wayn in
nabadayn lagu soo dabbaalo Somaliya ay shardi u tahay sida uu caalamku ugu
soo jeesto hub-ka-digista Somaliya iyadoo waliba hirgalinta arrinkaas loo
adeegsanayo ciidamo shisheeye ah.
Guddigan xaqiiqa raadiska ahi waxa uu isla manta ka ambabaxay magaalada
Bosaso isagoo ku sii jeeda dalkaasi Kenya hase ahaatee sii maraya
magaalada Gaalkacyo.
Top
Faaqidaada adduunka: Askari Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Magaalo-Madaxda
Ciraaq Ee Baqdaad, Siciid Guraase. |
Baqdaad (W.Wararka) - Askari Maraykan ah ayaa
dhintay kadib markii banbaano nooca gacanta lagu tuuray Kaare ama Taangi
ay leeyihiin ciidamada Maraykanku, kaasoo ag-taagnaa masaajidka Abu-xaniifa
Al-nucmaani oo ku yaala magaalada Baqdaad. Waxaanay sheegeen dad goob-joog
ahaa in halkaasi la isku weydaarsaday rasaas dhexmartay ciidanka
Maraykanka iyo kooxda Ciraaqiyiinta ahayd ee soo weeraray halkaasoo ay ku
dhinteen askariga Maraykanka ah iyo laba qof oo Ciraaqiyiin ahi.
Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamada Maraykanku ay u hanjabeen
warfidiyeenadii goobtaa taagnaa ee dhacdadan warka ka qaadayay iyagoo
diidan in warkaasi la tebiyo.
Dhacdadani waxay kusoo beegantay iyadoo ay ciidamada Maraykanku bilaabeen
inay ururiyaan hubka ay haystaan dadka rayidka ah ee reer Ciraaq, taasoo
ay u qabteen muddo laba toddobaad ah inay dadku kusoo ururiyaan hubka ay
haystaan, iyadoo muddadaa wixii ka dambeeyana la ciqaabi doono cidii aan
kusoo gudbinin hubka ay haysato.
Dhinaca kale, waxa weli dalka Ciraaq kasii socda mudaharaadada iyo
rabshadaha dhanka ka ah ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska, taasoo
keentay inay dad badan waxyeelo ka soo gaadho labad dhinacba.
Dhinaca kalena Dawladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay xidhiidhkii
Dimlomaasi u goysay dalka Ciraaq, iyadoo albaabada u laabtay safaaraddii
ay ku lahayd Baqdaad una yeedhatay dhammaan shaqaalihii ka joogay halkaasi.
Sida ay sheegtay Dawladda Liibiya qaraarkeedani wuxuu ka dambeeyay iyadoo
diidan waxay ugu yeedhay falalka ay ciidamada gumaysiga ahi ka wadaan
dalka Ciraaq. Arrintani waxay ka dambaysay markii todobaadkii hore uu
sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Maraykanku in dhamaan
diblomaasiyiinta jooga dalka Ciraaq inay waayeen haybadoodii
diblomaasiyadeed.
Top
Shir-Madaxeed Faransiiska Uga Furmay Dalalka G-8. |
Paris (W.Wararka) - Shir-madaxeed ay ku kulmeen
8da dal ee dhinaca wershadaha ugu horeeya adduunka ee loo yaqaan “G-8”
ayaa malintii shalay ka furmay meel ku dhow caasimadda dalka Faransiiska,
iyagoo ka wadahadlaya xaaladda dhaqaalaha adduunka iyo waxyaabaha ka
dhashay kadib markii uu dhammaaday dagaalkii lagu qaaday Ciraaq.
Sida ay sheegayaan dadka u kuurgala arrimaha siyaasaddu shirkani wuxuu
ahmiyad weyn siinayaa hagaajinta xidhiidhka u dhaxeeya Maraykanka iyo
dalalka Yurub oo uu mugdi soo dhexgalay intii uu socday dagaalkii Ciraaq.
Shirka waxa ku kulmay ugu horeyntii madaxweynayaasha Maraykanka iyo
Faransiiska, kaasoo ah kulankii ugu horeeyay ee dhexmara labada Madaxweyne
tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii Ciraaq, iyadoo uu Faransiisku
horkacayay dalalkii sida weyn u diidanaa dagaalkaasi.
Marka laga yimaado dalalka horumaray waxa kale oo shirka ka qaybgelaya
dhawr ka mid ah dalalka soo koroya oo ay ka mid yihiin Masar, Sucuudiga,
Aljeeriya, Marooko, Nayjeeriya, K.Afrika, Senegal iyo Maleesiya, kuwaasoo
la sheegay inay dhiirigelin siinayaan dalalkaasi.
Sidoo kale waxay isla eegi doonaan madaxdaasi hoos u dhaca ku yimid
dollarka Maraykanka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqaalaha adduunka.
Dhinaca kale, waxa shirka mudaharaado kala hortegay kooxaha diidan isku
furanka dhaqaalaha adduunka, kuwaasoo ay rabshado dhexmareen iyaga iyo
ciidamada amaanka ee Faransiiska.
Top
Mucaaradka Zimbabwe Oo Halis Ku Haya Madaxweynaha Dalkaasi. |
Harare (W.Wararka) - Maxkamadda sare ee
Zimbabwe ayaa kahorjoogsatay xisbiga mucaaradka ee dalka Zimbabwe
mudaharaado ay qorsheeyeen inay qabanqaabiyaan toddobaadkan, kuwaasoo ay
ku diidan yihiin Madaxweyne Robert Mugabi sida lagu sheegay warkaasi ay
soo saartay maxkamaddu waxay maxkamaddu qaraarkan u gaadhay si aan
dadweynaha dalkaasi ugu dhaqaaqin dhaqdhaqaaq Xukunka lagaga tuuro
Madaxweynaha dalkaasi.
Qaraarkani wuxuu ka dambeeyay markii ay mucaaradku dhigeen shaqo-joojin
socotay muddo shan maalmood ah, iyagoo isla markaana qorsheeyay in ay
dhigaan mudaharaado socon doona muddo dhawr maalmood ah si ay Xukunka uga
tuuraan Robert Mugabi.
Robert Mugabi oo dalkaa soo xukumayay ilaa 1980-kii, markii uu dalkaasi
qaatay gobonimadiisa waxa la sheegay inay arintani tahay halistii ugu
weynayd ee soo foodsaarta xukunkiisa iyadoo musharaxa mucaaradku ku
doodayo inuu isagu Madaxweynaha xaqa ah ee lasoo doortay, taasoo uu
taageero weyn kaga haysto dadweynaha rayidka ah.
Top
Bush Iyo Putin Oo Ku Kulmay Russia. |
BBC_Madaxweyn Bush waxa uu joogaa St.
Petersburg, halkaas oo uu shir yar kula yeeshey Madaxwynaha Russia Putin.
Inta aanay iskugu imaanin kulankoodan koobaad, xataa markii laga soobaxay
dagaalkii Ciraaq ee sida daran u kala qeybiyey labada waddanka ka dib,
Bush iyo Putin waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay dhinac iska
dhigaan khilaafaadkooda oo loo dhaqaaqo sidii loo sameyn lahaa iskaashi
istraatijiyeed.
Wareysi uu Telefeshan Russian ah siiyey waxa uu Bush ku sheegey in ay
muhiim tahay in adduunka intiisa kale la tuso in labada waddan ee
Mareykanka iyo Russia ay doonayaan in ay iskaashadaan.
Madaxweyne Putin ayaa isna hadal uu ku abaalmarinayo kan Bush ku sheegey
in shirka St Petersburg uu iskaashiga labada waddan siinayo quwad cusub oo
dhan kasta leh.
Waxyaabaha uu shirkani wax ka qabanayo waxa ka mid ah, daweynta
khilaafaadkii Ciraaq, dib u habeynta Qaramada Midoobey, xakameynta
Nuclearka, arinta Bariga Dhexe iyo wadahadallo ay labada dhinac ka yeelan
doonaan tamarta iyo teknolajiyooyinka sare.
Mr Putin waxa uu Bush ku ammaaney doorka shakhsiyad ahaaneed ee uu ka
qaatey xalinta dooddii ka dhalatey qaraarkii Ciraaq, iyadoo labada
dhinacba ay ogolaadeen tanaasulaad.
Russia ayaa beeneyse eedeymaha Mareykanka ee ku sabsan in Russia laga
yaabo in ay Iran ka gargaareyso sidii ay u sameysan lahayd hubka sida
daran wax u gumaada, mowduucaas ayaa isaguna u baahan in Mareykanka iyo
Russia ay ka gaadhaan tanaasulaad kale.
Laakiin, calaamad muujineysa in Russia ay mowqifkeedii hore bedelayso,
ayey Russia Iran ugu baaqdey in ay adduunka u muujiso in aanay heysan
hubka laga sheegayo iyadoo waddankeeda u ogolaaneysa in hey'adda Caalamiga
ee Atomikada ay baadho dhulkeeda.
Labada Madaxweyne markii uu u dhamaado shirka St. Petersburg waxa ay u
safri doonaan France halkaas oo ay kaga qeybgalayaan shirka waddamaga ku
jira G-8. Waxana ay Russia u noqoneysaa markii ugu horeysey ee si buuxda
ay xubin uga noqoto naadiga G-8.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Halkuu UCID Kaga Toosay Waajibaadkiisii. |
Tan iyo intii nidaamka xisbiyada badani ka
bilaabmeen Somaliland ee ay ku soo baxeen saddexda xisbi-siyaasadeed ee
kala ah; UDUB, KULMIYE iyo UCID, sida aynu la socono mar walba waxa madow
iyo mugdi soo kala dhexgalayay labada xisbi-siyaasadeed ee UDUB iyo
KULMIYE, taasoo ilaa hadda aan dhammaanin, iyadoo ay inagala gudboon tahay
inaynu kula talino inay soo af-jaraan yooyootanka iyo khilaafka u dhaxeeya
oo ay u midobaan meelna uga soo wada jeestaan danta dalka iyo dadkaba,
waayo uma baahna bulshada reer Somaliland kala qaybsanaan iyo khilaaf dhex
yimaada, oo aynu dib ugu burburino wixi aynu ka kabanay muddadii dhawr iyo
tobanka sano ahayd ee aynu dib ugala soo noqonay madax-banaanideena wixii
la odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliya. Waxa kale oo haboon inaynu ka
feejignaano inay inaga faa’iidaystaan hadhaagii taliskii Siyaad Barre.
Haddaba, mugdigan iyo madowgan soo kala dhexgalay labada xisbi-siyaasadeed
ee UDUB iyo KULMIYE, waxay ahyd oo ug dhowaa in uu dhexda u xidho oo u
hawlgalo maarayntooda xisbiga kale ee UCID oo aanu cidna ku hallayn,
maadaama uu ahaa xisbigii saddexaad ee la tartamayay cid kastana uga
fara-dhuudhubnaa. Siilaanyo iyo C/raxmaan aw Cali waa mujaahidintii inaad
maanta saxaafadda sidaad doonto ugu hadasho kuu suurtogeliyay Ilaahay
kasokow ee usoo maray rafaadka abaalkooduna ma aha in hadba shir-jaraa’id
aad ku eedayso oo ku af lagaadayso iyagoo hadalkaaga iyo xorriyad
qawlkaaga inaad sidii aad doonto ugu hadashoba sababbbtooda lahaa.
Gebogebadii, waxaan mahad iyo bogaadin u soo jeedinaynaa culimaa’udiinka,
salaadiinta iyo waxgaradka Somaliland ee ku hawlan dhexdhexaadinta iyo isu
soo dhoweynta labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.
Saleebaan cawil Abokor, Hargeysa.
Top
Wax Ka Baro Waayaha Nolosha. |
Guud ahaan noloshu waxay noqotaa laba marka
hore waa mar ay liid iyo diciif tahay. Mar kalena waa mar badhaadhe sidaa
darteed waa mid jirta in dadku nolosha ku kala duwanaadaan , ma dhacdo in
dadku si isku mida u wada noolaado.
Hase yeeshee iyana waxa jirta in fiiro gaarana loo yeeshana ay tahay arrin
lama huraan ah in loo qiro doona ogaado qofkastabaaba kaalinta uu bulshada
kaga jiro, xagga waxqabadkaa iyo xaga wax qabsiga, arrintani maaha mid loo
dhasho, ama la iska dhaxlo, ee waa mid ku xidhan hadba qofka sida uu wax u
qabanayo. Qofkastaaba waxa uu qabanayo waa in la ogaado, laguna xaq mariyo,
haddii taa la waayo dulmi baa dhacaya, mana aha dulmigaasi mid loo baahan
yahay, haddaba labada qaybood ee nolosha waxa ugu fiican ee lagu heli
karaa waxa weeyi iyada oo midkastaba sida ugu haboon ee ay ku soo marta
aad ula wajahdo.
Intaa mida hore marka ay tahay liid iyo diciif wa marka dedaalka bulshadu
liitaan waxaana nolosha lagaga guulaysan karaa akhristaw inaad ku dedaasho
sidii aad uga hortegi lahayd waayaha dalkaaga haba kugu adkaatee.
Isbed-bedelka hadaba ay waayaha noloshu isbedbedelayso ayaa waxay kula
geli kartaa duruuufo adag iyo kuwo barwaaqo, ahba waxaana haboon inaad
marwalbaa ka dabaalato duruufaha kaa horyimid sida ay kaaga horyimaadaan,
laakiin marka labaad ee badh-badhaadhaha iyo barwaaqada tahaay markaan
qudheeda dadku barwaaqo kuma wada jiro hase yeeshee haddii ay suurtawdo
noloshuna kaa farxiso, waxa lagaaga baahanyahay in lagaa dareemo
waayo-aragnimo badan oo ku waajahan dabaqyada nolosha hana ku xadgudbin
hana ku dheel dheelin inta maxaysatada ah, haddaba akhristaw lama odhan
karo dalkeena Somaliland waa dal horumaray hase yeeshee wada horumarka
laga curdina ah dedaal badaninaa ka muuqdo ged-gedoonka waayahanaa raba,
inuu la qabsado, sikasata oo uu yahay aan lana rabin in dib loo celiyo.
Haddaba haddii aad waayahay nolosha iyo duruufaha barwaaqada dhaman lahaa
yaan qaadi kari waydo waxa haboon inaad jidkan raacdo. “Die if you want to
be praised) haddaad amaan rabto dhimo).
Maxamed Cabdi Sheekh.
Top
Luqada Carti Luli Mayso Hargeysa. |
Aniga oo ku hadlaya afka guddida jaaliyadda
Somaliland ee magaalada Riyaadh iyo dhamaan qurba joogta Somaliland ee
dalka Saudi Arabia waxa aad noo naxdin geliyey ereyadii iyo qoraalkii aan
madaxa banaanayn ee ka soo yeedhay xisbiga KULMIYE oo aan ahayn afkii reer
Somaliland.
Ereyadaas oo aan farxad gelinayn naafada ku naafoobay xoreyntii dalkna,
agoomaha dugsanaya xabaalaha aabahood, odayaasha iyo hooyooyinka ku
goblamay ee deecaansanaya halkii uu ku geeriyooday curdinkoodii iyo
ciidamada qalabka sida ee ugu dhabar adaygay gaajo, iyo oon xornimada
dalkooda oo had iyo jeer u heegan ah inay dalka ka difaacaan cadawga
shisheeye.
Dalka Somaliland meel walba waxay leedahay tilmaan dhiig ah oo lagu
tilmaansado goobtuu hebel ku dhintay ama ku dhaawacmay.
Xisbiga KULMIYE ee doonayey inuu hogaankaa dalka ku guulaysto in badana ka
hadli jiray dimuqraadinimo.may ahayn kelmadihiisii, dadweynihii u codeeyey
abaalkooda ma ahayn wadanka Somaliland naa xusmadiisa, ma ahayn inuu
baaqana oo kale ugu abaal gudo.
Waxaan ka xunahay inuu noqdo badheedhaha xisbiga KULMIYE oo dada badan oo
reer Somaliland ahi u codeeyeen inuu ku hadlo afkii lagu yaqaanay qaybo ka
mid kooxaha Soomaaliya isku haysta.
Waxaan xusuus leh inay noqoto markii ugu horeysay ee nin siyaasi ah oo
Somaliland ku abtirsanayaa mustaqablakana rajo ka qaba hogaanka dalka inuu
deedifeeyo jiritaanka dalka, xaraantimeeyana wixii dhamaan hay’adaha
distooriga ahaa ee dalka ka jira.
Dhaqan uma laha Somaliland inay odayaal sharaf iyo xishmad mudan aflagaado
aan meela u soo marin loola badheedho.
Waxaanu madaxda xisbiga KULMIYE kula talin lahayn inuu ilaaliyo dhaqanka
qaranka Somaliland iyo xurmada golayaasha, guddida komishanka, maxkamadaha,
ciddii u codaysay iyo dhamaan dadweynaha reer Somaliland.
Dawladana waxaanu leenahay xilka idin saarani waa dhamaystirkii dawladda
iyo inaan wakhtigan lagu lumin jawaab ka bixin hadalada deel-qaafka ah
taas loo daayo muwaadiniinta reer Somaliland.
Axmed M. Sa’eed, Gudoomiyaha Jaaliyadda.
Top
Waadiga ciyaaraha: C/fataax M. Caydiid. |
Barcelona oo loo ogaaladay in ay Beckham ku
iibsato ₤ 30 Milyan.
Kooxda Barcelona ayaa soo bandhigtay qiime dhan ₤ 30 milyan (sodon milyan
oo giniga ingiriiska ah) si ay David Beckham u keento dalka Spain. Sidaa
waxa warbixin ku sheegay Wargeysyo badan oo shalay axadii soo baxay.
Waxbixintani waxay soo jeedisay in kooxda Manchester United ay ogolaatay
qiimahaas mabda’iyan, kadib markii kulan bilow ahi dhexmaray kooxda ka
socotay Barcelona.
Kooxda Barcelona lama geli karto Beckham heshiis adag, ilaa iyo inta
Madaxweynaha cusub ee kooxda la dooranayo, kadib doorashada la qaban doono
bisha June 15keeda.
Madaxweynaha laga rajo qabo inuu ku guulaysto doorashada, Joan Laporta,
ayaa u sheegay wargeysa Sunday Express “Aniga aragtidayda, qiimahani waa
mid ku munaasib ah Beckham,” ayuu yidhi Laporta.
“Waxa uu ka mid yahay (Beckham) ciyaartoyda tirada yar ee adduunka ee aad
awoodi karto in aad dib ugu soo celiso lacagtaada keliya dakhliga
ganacsigiisa,” ayuu raaciyay Joan Laporta.
Kooxda AC Milan ayaa la sheegay in ay rajaynayso in ay soo bandhigto qiime
ka sareeya ka Barcelona, halka ay kooxaha Inter Milan, Roma iyo Real
Madrid iyaguna xidhiidh la sameeyeen 28 jirka reer England
Agaasimaha fullinta ee kooxda Manchester United, Peter Kenyon ayaa
caddeeyay in kooxdiisu ay dhegaysan doonto ama dheg u dhigi doonto
qiimahayaa ₤ 30 Milyan (sodon milyan oo giniga Ingiriiska ah) iyo wixii ka
sareeya ee loo dhigo ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara.
David Beckham, oo imika fasax ku jooga dalka Maraykanka isaga iyo
qoyskiisu, ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Old Trafford.
Top
Riyada Ronaldinho ee Manchester United. |
Xiddiga reer Brazil ee Ronaldinho ayaa sheegay
in ay ku jiro “Damac aad u gubaya oo ah inuu u ciyaaro Manchester United”.
Ronadinho oo ah 23 jir, waxa uu sameeyay xidhiidh ah inuu xagaaga ka
wareego Paris Saint Germain una wareego Old Trafford, waxaanu si cad u
helay rajo uu ku biro kooxda horyaalka Premiershipka.
“Waan u qushuucay kooxda Manchester United.” Ronaldinho ayaa sidaa u
sheegay Wargeyska ka soo baxa Ingiriiska ee Independent shalay Axadii,
waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan jecelahay in aan daawado marka
ay ciyaarayso Man United. Dabcan, waxaan doorbidayaa in aan ka mid noqdo
koox weyn oo sidan oo kale ah, cidna kastaana way jeceshahay.”
“Fikradda ah inaan ku biiro kooxda Manchester United, waxa iga dhigtaa
sidii oon riyoonayo, maxaa yeelay waa koox weyn, oo guulo badan gaadhay,
waxaanay ciyaaraan kubadda noocayga aan doorbido. Waxa igu jira damac i
gubaya, kaas oo ah in aan ka mid noqdo koox ciyaar aad u weyn wakhti kasta,”
ayuu raaciyay Ronaldinho.
Ronaldinho, waxa uu ka ciyaari karaa kaalin ah ciyaartoy furan oo xor ah,
ama sida uu doorbido oo ah inuu ka dambeeyo ciyaartoyga xaga hore ka
ciyaaraya, kama werwer qabo inuu ka ciyaari karo kubadda Premiership-ka,
waxa hore loo arkay ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal
Gilberto Silva oo u wareegay halkaas, mana sugi karo inuu ciyaar kubadda
cagta ee Champions League.
“Waan in aan qiraa taa, marka aan daawado tartankan, waxay i gelisaa
xaalad xun oo aan doonayo in aan ka mid noqdo. Waxay u egtahay ilma yar oo
doonaya inuu berkad biyo ah ku ciyaaro. Waxaad doonaysaa in aad ku dhex
boodo,” ayuu raaciyay Ronaldinho.
Top