Xafiis Caalamiya Oo Qiray In Xeebaha Somaliland Ka Bed
Qabaan Budhcadda Baddaha, “Shirkadaha Qaarna way ku qanceen go’aankan,
Qaarna qancintooda ayaa noo socota,” Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali
Xoor-xoor.
“Waxaan Ku Faraxsannahay In
Xogtii Aan Ka Haystay Somaliland Aan Indhahayga Ku Arko,” Mukhtaar Diof,
Hogaamiyaha Weftiga Baanka Adduunka.
“Xaajadaada Waxa Loo Dhiibtaa Nin Aan Hantina Kaa Dhaqanayn
Hagarna Kaa Galeyn," Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).
Xadhiga Maxaabiista Siyaasadeed Ma Waafaqsan Yahay Dastuurka
Iyo Xeerarka Caalamiga Ah, Faallo - Caraale M. Jaamac.
Roobab Baraf Iyo Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Boorama.
Hambalyo Aroos.
Faaqidaadadduunka: Shir-Madaxeed Dalalka Carabta Iyo
Maraykanka Uga Furmaya Masar, Siciid Guraase.
Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxda G8.
Shir-Madaxeedka Dalalka G8 Maxaa Ka Soo Baxay?
Iiraan Oo Gaashaanka Ku Dhufatay In La Baadho Hubkeeda
Halista Ah.
Tallaabooyinka Sharon Ka Wado Falastiin.
RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.
ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Talo Waa Mar Aad Gaadhi Weydo Iyo Mar Aad Garan Weydo.
Xilka Siyaasi Sahlanaa!!
Dadku Ha Kala Saaro.
Waa Maxay Muxaafid Iyo Mucaarid?
Tartan Kubadda Koleyga Ah Oo Lagu Xusayo 18 May Oo Ka Furmay
Boorama.
Cabdifataax M. Caydiid: Bayern Munich Oo Ku Guulaysatay
Koobka Jarmalka (German Cup), Michael Ballack ayaa laba gool u dhaliyay mid
kalena sameeyay.
|
|
Xafiis Caalamiya Oo Qiray In Xeebaha Somaliland Ka Bed Qabaan
Budhcadda Baddaha, “Shirkadaha Qaarna way ku qanceen go’aankan, Qaarna
qancintooda ayaa noo socota,” Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali
Xoor-xoor. |
Berbera (Haatuf) - Xafiiska Caalamiga ah ee
hawlaha gaadiidka badda (International Maritime Bureau) qaybtiisa London,
ayaa qiray in xeebaha Somaliland ay ka fayow yihiin falalka budhcadnimada
ah ee loo geysto gaadiidka mara badda, arrintan oo xafiiskaasi shaaca ka
qaaday badhtamihii bishii May ee sannadkan, wuxuu ku tirtiray go’aan hore
oo isla isaga ka soo baxay, kaas oo uu xafiisku digniin ku siiyay
maraakiibta marta Khaliijka Cadan in ay ka fogaadaan xeebaha “Soomaalida”
siiba dhinacooda waqooyi iyo waqooyi bari.
Haddaba kadib markii ay digniintaasi soo baxday ayaa shirkaddaha Caalamiga
ah ayaa waxay qiimihii caymiska ee ay ka qaadi jireen maraakiibta u raran
dhinaca dekedda Berbera ku kordhiyeen sicir cusub oo u dhigma 2.5% qiimaha
badeecadda, taas oo badh ahaan dib loogu celinayo cidii caymiska dalbatay
kadib marka la hubiyo in markabkii badeecadda siday u si nabadgelyo leh
kaga gudbay dekedaha xeebaha Soomaalida.
Tallaabadan ay qaadeen shirkaddahaasi, ee ay ku kordhiyeen caymiska ay ka
qaadi jireen maraakiibta u raran Berbera ayaa waxa ka dhashay in
maraakiibta qaarkood ay ka war-wareegaan imaatinka dekedda Berbera.
Haddaba, mar aanu arrintaa wax ka weydiinay Maareeyaha Dekedda Berbera,
Cali Xoor-xoor, waxa uu noo sheegay inuu la xidhiidhay xafiiska caalamiga
ah ee gaadiidka badda, si ay wax uga beddelaan warbixintoodii ay kala
midka dhigeen xeebta Somaliland ta Soomaaliya, taas oo uu Maareeyuhu
xafiiskaasi uga dacwooday in ay soo saareen warbixin khaldan, maadaama
ayna kala saarin xeebaha badda Somaliland oo tan iyo 1991 ilaa hadda aanay
wax falal budhcadnimo ahi ka dhicin iyo badweynta Soomaaliya ee falalkaasi
ka dhacaan.
Qoraal Maareeyaha Dekedda Berbera u qoray xafiiska Caalamiga ah ee
Gaadiidka Badda bishii 13 May 2003, waxa uu ku sheegay in laga bilaabo
sannadkii 1991 ee dalka Somaliland madaxbanaanidiisa la soo noqday aanay
xeebaha Somaliland marnaba ka jirin wax dhibaatooyin ah oo ku lidiya
ammaanka gaadiidka badda ee halkaasi mara, waxaanu Mareeyuhu xafiiskaa u
diray warbixin ku saabsan Maraakiibtii timid Berbera labadii sannadood iyo
lixdii bilood ee u dambeeyay, taas oo uu ka soo jawaabay
Agaasime-ku-xigeenka xafiiska Caalamiga ah ee gaadiidka badda, Mr. Jayant
Abhayankar, isaga oo sheegay in xafiiskiisu aanu wax ka sheegin xeebaha
“Somaliland”, balse ay wabixintooda ku eekaysiin doonaan “Somalia”.
Mr. Jayant Abhyankar, waxa kale oo uu jawaab-celintiisa ku sheegay in ay
warbixintooda wax ka beddeli doonaan, isla markaana ay ku xusi doonaan in
meelaha khatarta ah ee gaadiidka badda looga digayaa ay ku koobnaan
doonaan Bariga iyo Waqooyiga bari ee xeebaha Soomaaliya.
Maareeyaha Dekedda Berbera oo aanu wax ka weydiinay ahmiyadda go’aankan
cusub ee xafiiska caalamiga ah ee gaadiidka baddu kaga markhaati furay
nabadgelyadda ka jirta badda Somaliland, wuxuu sheegay in tallaabadani ay
tahay mid daruuri ah, maadaama ay shirkaddaha caymisku ku go’aan qaateen
warbixintii hore ee xafiiska London ka bixiyay xaaladda ammaanka xeebaha
Soomaalida, waxaanu Maareeye Cali Xoor-xoor intaas ku daray oo uu yidhi:
“Waxaanu dedaal u galnay sidii shirkaddaha caymisku ay caymiska dulsaarka
ah uga qaadi lahaayeen Maraakiibta timaada Berbera.”
Waxaanu intaa raaciyey “Shirkadaha qaarna way ku qanceen go’aankan oo way
naga aqbaleen inay ku camal falaan oo ay caymiska dul-saarka ah naga
qaadaan, qaarna qancintooda ayaa noo socota, sida: Lloyds” ayuu yidhi
Maareeyuhu, waxa kale oo uu sheegay in xafiiska midawga Yurub (EU) ee
Addis Ababa uu kaalin libaax ka qaatay hawshan, isaga oo intaa ku daray
inay doorka EU-da ee hawshan mustaqbalka faah-faahin dheeraad ah ka bixin
doonaan.
Top
“Waxaan Ku
Faraxsannahay In Xogtii Aan Ka Haystay Somaliland Aan Indhahayga Ku
Arko,” Mukhtaar Diof, Hogaamiyaha Weftiga Baanka Adduunka. |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland
Daahir Rayaale Kaahin ayaa xalay markii labaad la kulmay weftigii ka
socday Baanka Adduunka ka dib markii ay wada hadalo la soo yeesheen guddi
ka tirsan golaha wasiiradda, oo ay isla meel dhigeen mashaariic ay wax
kala qabanayaan Somaliland, waxaanu madaxweynuhu ka codsaday weftigaas
inay ku dedaalaan sidii ay hirgeli lahaayeen arrimaha ay isla meel dhigeen
guddiga golaha wasiiradda.
Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyaddu
Cabdi Idiris Ducaale arrimaha ay isla meel dhigeen guddida golaha
wasiiradda ah iyo weftiga ka socday baanka adduunku waxay yihiin laba
mashruuc oo kala ah Dib u hawlgelinta wershada Sibidhka ee Berbera iyo
mashruuc qaboojiyayaal lagu kaydiyo kalluunka ah. Iyada oo uu Madaxweynuhu
sheegay ahmiyadda iyo waxtarka ay mashaariicdaasi u leeyihiin dalka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ku adkeeyey in wixii ay u qabanayaan
Somaliland ay noqdaan toos si aanay meel dhexe ugu lumin, “Anaga oo
ujeedadayadu tahay wixii loo qabanayo dalkani ee xaggiina ka yimaada inay
dhaliyaan midhihii loogu talo-galay, anaga oo dawlad ahaan aan rabin inay
wax lacag ahi, gacanta noo gasho, laakiin ay ujeedadayadu tahay in la
qabto mashaariic iyo wax qabad muuqda, oo bulshada Somaliland wax u tara”.
Ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Hogaamiyaha weftiga Mukhtaar Diof oo isna kulankaa ka hadlay ayaa uga
mahad celiyey madaxweynaha iyo shacbigaba sida wanaagsan ee loogu soo
dhaweeyey dalka. “Aad baanu ugu faraxsanahay in xogtii aanu ka akhriyi
jirnay Somaliland aanu dhab ahaan indhahayaga ugu aragno, waxaana ii
muuqatay jawi wanaagsan oo aynu ku wada shaqayn karno” ayuu yidhi Diof.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay iskhaashi buuxa kala
yeelan doonaan Somaliland arrimaha ay isla meel dhigeen wasiiradda gaar
ahaana wuxuu balan-qaaday dhaqan gelinta labada mashruuc inay ku dedaali
doonaan, isla markaana uu ka hawlgeli doono sidii loo hirgelin lahaa.
Waxa kale oo uu warsaxaafadeedku intaa ku daray in weftiga ay ka muuqatay
sida ay diyaarka ugu yihiin wada shaqaynta iyo wax la qabadka Somaliland.
Warsaxaafadeedkaa waxa lagu sheegay inay kulankaa madaxweynaha kala
qaybgaleen wasiiradda arrimaha gudaha, qorshaynta, maaliyadda, dib u
dejinta, warfaafinta, iyo wasiiru dawlaha arrimaha dibadda.
Weftigan oo lagu wado inay maanta dalka ka ambabaxaan waxa habeenkii xalay
casho sharaf loogu sameeyey Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Top
“Xaajadaada Waxa Loo Dhiibtaa Nin Aan Hantina Kaa Dhaqanayn Hagarna
Kaa Galeyn," Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow). |
London (BBC) Waxaa dhowaan magalada Bosaso lagu
soo gabagabeeyay heshiis dhexmaray maamulka Puntland iyo mucaarad ka
horjeeday waxana wadahadalka labada dhican oo muddo socday dowr wayn ka
ciyaaray labada Isim ee kala ah Boqor Cismaan Max'uud Max'ed (Buur-madow)iyo
Suldaan Siciid Suldaan C/salaam.
Haddaba weriyaha BBC-da Axmed kismayo ayaa waraysi la yeeshay Boqor
Cismaan Max'uud waxana uu ugu horayntii waydiyay inuu faahfaahin kooban ka
bixiyo sida uu u arkayay hawshan intii aysan billaabin iyo siday markii
dambe ku dhamaatay, waxana uu ku jawaabay:
Boqor Cusman: ... Arrinkan nabadaynta Puntland ah waxaannu ku jirnay muddo
shan bilood iyo dheeraad ah, markii hore ee aaannu galaynayba waxannu ku
raja waynayn inaannu ku guulaysan doonno, maxaa yeelay markii horeba
waxanu ka bilownay meel haddii lagu ilaaliyo ayna murkacasho ka imanaynin.
Waxaannu markii horeba ka bilownay in labada garab ee is haya cidda
hogaaminaysa aannu kalsoonidooda kasbanno maaddaama aannu nahay
Dhexdhexaad, waxannu haddana ku dadaallay inaannu iyaga wadahdalsiinno
iyagoo aan isu iman oo marka hore aannu fikirka isu soo dhowayno, runtii
taasi way nagu adkaatay laakiin markii dambe Ilaahay mahaddiis waannu ku
guulaysannay.
Axmed: Markii aad hawshan billaabayseen ma idinka uunbaa si gaar ah isu
xilsaaray adiga iyo Suldaanka mise dadkii is hayay ayaa idin yeedhay oo
idin yidhi dhibaatdan ayaa na dhextaal ee kaalaya na dhexgala?
Boqor Cusman: ... Markii ay qoladan Ceel-afwayn timi telefoon ayay igula
soo xiriireen waxayna ii sheegeen inay halkaas yimaadeen, dabadeedna waxa
ila soo xiriiray C/llaahi Yusuf runtiina isagaa soo jeediyay in arrinkan
nabad lagu dhameeyo oo annaguna aannu galno.
Tan kale nabadda wadiddeeda haddii iyadoo aan nala dirsan aannu iska galno
xagga kalsoonida waa laga fiican yahay.
Axmed: Dhibaatada Puntland waxay soo socotay muddo ku dhow laba sano, waxa
jiray olole nabadeed oo idinka horeeyay laakiin aan guul ku dhammaan,marka
idinka albaabkee ayaad ka gasheen arrinkan nabadaynta ah...
Boqor Cismaan: Horta arrinka la isku hayay waxa uu ahaa siyaasad,annaguna
waxannu iibinaynay waxa ay ahayd nabad, marka maaddaama aannu ahayn
hoggaan dhaqan wax alla wixii siyaasad ah waannu iska xirnay waxannuna ku
tala galnay in bal horta qolo kastaa aannu niraahno nabad aan shuruur
lahayn nala qaata taas ayaanu annagu wax ku iibinaynay.
Axmed: Dadka qaar waxay qabaan in C/llahi Yusuf iyo Cadde ay markii hore
iyagu toos u wada hadleen dabadeed arrinkii oo ay jilciyeen oo ay soo
bisleeyeen ay idinku yidhaahdeen kaalaya na dhexgala, sidee taas u aragtaa.
Boqor Cusman: ... Laba nin oo muddo dheer ciidamada ku soo wada jiray bay
ahaayeen, beel ka soo jeeda oo saaxiibbo ah, halgankii SSDF ku soo wada
jiray bay ahaayeen, laakiin intii arrintani ay dhacday wax xidhiidh ah
mayna lahayn waxana runtii nagu adkaaday inaannu wadahadalsiinno, markaa
waxba kama jirin in ay xiriir lahaayeen oo annagaa xidhiidhka bilownay.
Axmed: Waxan qiyaasayaa intii aad hawshan ku jirteen inaad marba la
kulmayseen xaalad gaar ah oo marna fududaanaysay marna ay
adkaanaysay,marka intii aad wadden nabadayntan maxay ahayd caqabaddii
idinkugu waynayd ee aad la kulantaan.
Boqor Cismaan: Ma doonayo inaan taas ku talaxtago waayo waxa la yidhi oday
reer u wayn iyo gabadh gabdho ka umulisaba siday wax u ogyihiin wax uma
sheegaan, haddii aannu arrinka ku raagnay oo nala dheeraaday waxyaabihii
aannu la kulannay runtii ma wada sheegi karo,laakiinse waxan idin
sheegayaa in arrinkaas si nabadgalyo ah oo annaguna aan adkaysi badan u
yeelannay, oo madaxwaynaha iyo Cadde iyaguna ay dhib fara badan u dhabar
adaygeen.
Axmed: Waxaan is leeyahay hawshan aad ayay u adkayd,marka miyaydnaan marna
is odhan war waxakan farihii baad kaga gubateene halkaa isaga joojiya?
Boqor Cismaan: Maya, maya taasi marna ma dhicin, waxaanay u dhicin laba
ciidan oo aan heshiis ahayn oo aad u xoog badan mid kastaana uu saanad iyo
hub badan haysto baannu ku dhexjirnay, marka inaannu nabadda dhalino ama
aanu ku dhimanno ayaannu ku soo talagalnay ee inaannu waddo kale uga
wareegno fikirkayagu marna ma ahayn.
Axmed: Boqor arintan nabadaynta ah ee aad gasheen waa mid siyaasadeed,
idinkana hawlihii aad hayseen waxa ugu badnaa waxyaabaha arrimaha dhaqanka
iyo waxyaabaha beelaha dhexdooda ah, marka ma is leedahay waxad
dhexgasheen arrin siyaasadeed oo idinku adag oo aad uga duwan waxyaabihii
dhaqanka ahaa ee aad arki jirteen?
Boqor Cismaan: Waa run waxa la isku hayay siyaasad ayay ahayd laakiin
annagu waxannu wax ku wadnay dhaqan bay ahayd,dee siyaasadna kama madhnayn
oo anigoo kale waad ogtahay oo waxan ka mid ahay golaha dhexe ee xisbiga
Udub ee S/land, ragga siyaasadda xisbigaas u ololeeya ayaan ka mid ahaa,
markaa siyaasadda lafteeda khibrad baanu lahayn oo meeshii aannu is
leennahay way idinkaga soo butaacaysaa waanu iska xidhnay.
Axmed: Waxaad ogtahay Somaliya dhibaato ayaa ka taagan meel kastana waxa
ka jira garabyo is haya sida kuwan oo kale, haddaba ma jirtaa talooyin ama
khibrad aad arrintan ka korodhsaten oo aad is leedahay waxay ku fiican
tahay in loo gudbiyo hoggaanka dhaqanka ee Somalida meel kasta ha joogee?
Boqor Cismaan: Taas waxa weeye fikrado badan oo aannu ka faa'idnay iyo
waxyaabo badan sida wax loo xalliyo ahba waa jiraan. Madax dhaqameedyada
oo kale waxan u soo jeedin lahayn in aanay siyaasadda ku milmin oo ay dhex
ka ahaadaan maaddaama ay iyagu yihiin cid dadkoo dhami ay dooratay, waana
in aanay lahayn damac ay naftooda wax ugu doonayaan ha noqoto mid
hantiyeed iyo mid mansab labadaba waayo Somalidu waxay tiraahdaa 'xaajadaada
waxa la geliyaa nin aan hantina kaa dhaqanayn hagarna kaa galayn'markaa
haddii caddaalad la helo,dhexnimo la helo waxaan qabaa in
madaxdhaqameedyadu ay dowrkaa qaadan karayaan.
Top
Xadhiga Maxaabiista Siyaasadeed Ma Waafaqsan Yahay Dastuurka Iyo
Xeerarka Caalamiga Ah, Faallo - Caraale M. Jaamac. |
“Qofka xoriyada looga qaaday fal-denbiyeed lagu
eedeeyay awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo maxkamad 48 (sideed
iyo afartan) saacadood gudohood, laga bilaabo marka la qabtay.” Sidaa waxa
dhigaya qodobka 27aad faqradiisa labaad ee dastuurka, inkasta oo ay
dastuurka s/land, sidaa ugu cadahay xoriyadu muwaadinku, isla markaana ay
jiraan qodobo kale oo qeexaya xoriyada muwaadinka iyo kuwo la
xidhiidhinaya baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, hadana waxad moodaa
inay qodobadaasu yihiin kuwo aan lagu dhaqmin oo marwalba si badheedh ah
loo baal maro, iyadoo aan wax tixgelin ah lasiin. Marka aynu doonayno
inaynunu iftiimino arrimahan waxaynu tusaale usoo qaadan karaa qaar ka
mida dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee mudadii ka danbaysay doorashadii
madaxtooyada, waxaana mudadaa bilaabmay caga juglayn , hatigaad iyo xadhig
lagula kacay suxufiyiin iyo dad kale oo ka mid ah taageerayaasha xibga ugu
weyn mucaaradka, kuwaasoo ay ugu danbeeyeen koox dhalinyaro ah oo xabsiga
loo taxaabay, wixii ka danbeeyay doorashadii madaxtooyada. Dhalinyaradaa
oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM, kana tirsanaa waqtigan xisbiga
mucaaradka ah ee KULMIYE qaarkoodna kasoo jeedaan qoysas ku caana
halganadii is daba jooga ahaa ee dalka waxa qaarkood laga qabtay Hutelka
migsing ee magaalada hargeysa, waxa iyana jiray kuwo laga qabtay suuqa,
balse waxa jiray mid ka mida ragaa oo laga qabtay madaarka magaalada
hargeysa isagoo sida ay sheegeen Eheladiisu u dhoofayay dhinaca dalka
ingiriiska oo uu hawlo ganacsi u tegi lahaa,waxayna dhamaan
dhalinyaradaasu ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee hargeysa, ilaa hada
iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn, islamarkaana waxay sheeegeen
inaanay garanayn sababta ay u xidhan yihiin iyo waxa lagu haysto
inkasta oo ay xukuumadu ku tilmaantay xadhiga dhalinyaradaa inuu la
xidhiidho waxay ugu yeedhay nabadgelyo daro, islamarkaana ay sheegtay in
maxkamad loo hor geyn doono sida ugu dhaqsaha badan, laakiin waxay mudo
sadex todobaad ah ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee hargeysa, waxayna
arrintaasu u eeg tahay mid baal marsan damaanad qaadka xoriyada qofka
muwaadinka ah uu siiyay dastuurka s/land.
Waana mid gef ku ah heshiisyada iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda
aadamaha Oo dhamaantood ka hor imanaya xadhiga aan maxkamadi xukumin ee
iska haysashada, ah, isla markaana waa astaamaha tilmaanta u ah
xukuumadaha digtaytarka ah, sidaa awgeed waxaynu garankaraa inay
astaamahanu ahaayeen kuwii keenay halgankii lagaga soo horjeeday xukunkii
milateri ee siyaad bare, iyadoo ay dhalinyaradaa qaarkood ku biireen
goobaha uu ka socday halgankii hubaysnaa ee SNM,kadib markii iyagoo arday
ah sabab la,aan loo xidhay.
Waxa hadaba lagama maarmaan ah inay xukuumadu ka waantowdo xadhiga noocaas
ah ee aan waafaqsanayan sharciga iyo in qofka layska xidho oo aan wax
maxkamada la horgeyn, iyadoo xukuumadu mudadii doorashada ka danbaysay
lasoo baxday dad la xidh xidho oo la yidhaahdo hebel liistaduu ku jiray,
taasuna waa mid u eeg habdhaqankii xukunkii hore ee keli taliska ahaa, oo
aan denbi u waayi jirin ay ku eedeeyaan qofka.
Sidaa awgeed xukuumada rayaale waxa looga baahan yahay ilaalinta shuruucda
iyo dastuurka dalka iyo inay ka waantowdo waxakasta oo lid ku ah xuquuqda
muwaadinka Waana in cadaalada la hor keeno cidkasta oo u xidhan si aan
waafaqsanayn sharciga, xadhiga dhalinyaradaas waxay dad badani rumaysan
yihiin inuu yahay mid siyaasadeed oo loo bixiyay kelmeda nabad gelya daro
,taasoo u eeg inay noqotay mid cidii la doonayo loogu soo gabado,mar hadii
aan jirin wax maxkamad ah oo ilaa hada la horgeeyay, si loogu oogo waxa
lagu eedaynayo oo hadii lagu helona ay maxkamadu ugu xukunto , hadii lagu
waayana xoriyadoodii loogu soo celiyo, hadii kale waxay is weydiintu
noqonaysaa xadhiga maxabiista siyasadeed ma waafaqsan yahay dastuurka
dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.
Top
Roobab Baraf Iyo Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Boorama. |
Boorame (Haatuf) - Duqa magaalada Boorame C/raxmaan
sheekh cumar ayaa shalay faah faahin ka bixiyayay roobab dabaylo iyo baraf
wata oo dabayaaqadii bishan ka da,ay deegaanka ku xeeran magaalada boorame
ee xarunta gobolka awdal.wuxuuna saxaafada u sheegay inay rooobab kaasu
da,ayeen waqti gaaban,laakiin ay geysteen khasaare, isla markaana ay
dumiyeen dhawr iyo toban guri oo isugu jira aqal soomaali iyo jiingado,
waxakaloo duqu sheegay inay roobabkaasu dhaawaceen oo ay jareen xadhkaha
telefoonada.
Duqa magaalada boorame wuxu intaa ku daray inaanay weli wax wara ka hayn
khasaaraha ay roobabkanu ugu geysteen deegaamada ku xeeran magaalada ,
wuxuuna sheegay inaanay maamul ahaan dabooli karayn inay wax caawimo ah
siiyaan dadka ay roobabkaasu khasaaraha u geysteen, kuwaas oo u baahan
Hoy,dhar iyo daawo, sidaa awgeed wuxu dadweynaha ku dhaqan magaalada ka
codsaday inay wixii awoodooda ah u gurmadaan dadkaas. Warkan oo noo soo
diray weriyaha Haatuf ee gobolka awdal wuxu intaa ku daray inay roobabkan
khasaaraha geystay ay ahaayeen kuwa xawliga ay ku da,ayeen uu hooseeyo,
islamarkaana ay taasu keentay inay waxyeelo gaadh siiyaan guryaha iyo
geedaha, iyadoo mudo ku dhow todoba sanadood ka hor roobabkan oo kale ay
ka da,een boorame, kuwaas oo geystay khasaare mood iyo noolba.
Top
Hadaanu nahay dhamaan dadka hoos ku qoran
waxaanu
habalyo u diraynaa Cabdirisaaq Sheekh Abokor oo ka
mida Somalilandnews.com iyo xaaskiisa Roda Siyaad
Maxamed oo dhawaan ku aqal galay magaalada Atlanta,
GA. USA:
Cabdalle Yusuf Cakule iyo xaaskiisa Bahja Ismail
Cubule, Hooyo Mako Xassan Aadan, Maxamed Sidiiq Cali Diiriye iyo xaaskiisa
Yurub Cabdi Cakule, Kaltuun Yusuf Cakule iyo Caruurteeda
Farduus Cabdi Cakule, Axmed Yusuf Cakule, Muna Cabdi Cakule
Ismaciil Cabdi Cakule, Samsam Cabdi Cakule, Asma Cabdi Cakule
Ismahaan Cabdi Cakule iyo Caruuteeda, Hodan Cabdi Cakule, Deeqa Cabdi
Cakule, Rooda Cabdi Cakule iyo Caruurteeda, Foosiya Cabdi Cakule,
Safiya Cabdi Cakule iyo Caruurteeda, Mustafe Cabdi Cakule, Khadar Maxamed
Cakule.
Dadkan oo dhamaan ka la jooga Maraykan, Canada,
Jabuuti, iyo Somaliland waxa ay leeyihiin noqda kuwii
isku waara, nabad iyo caano hela, ubad khayr qabana
ilaahay ha idin siiyo. Aamiin dhaha dadwaynoow.
Faaqidaada adduunka: Shir-Madaxeed Dalalka Carabta Iyo Maraykanka Uga
Furmaya Masar, Siciid Guraase. |
Sharma Sheikh (W. Wararka) Shirmadaxeed ay ku
kulmayaan dalalka ka tirsan carabta iyo madaxweynaha Maraykanka ayaa
maanta lagu wadaa inuu ka furmo Degmada Sharma Sheikh oo ka tirsan dalka
Masar.
Shirmadaxeedkan oo ay ka qaybgalayaan 5 hogaamiye oo carbeed oo kala ah
Masar, Sucuudiga, Urdun, Baxreyn, iyo Ra’iisal wasaaraha Falastiin waxaana
shirkaa ka baaqday sida la sheegay boqorka Moroco oo soo diraya cid isaga
metesha, waxaanay madaxdaasi ka wada hadlayaan sidii xal waara looga
gaadhi lahaa muranka ka taagan bariga dhexe, ee u dhaxeeya Isra’iil iyo
Falastiin, waxaanu shirkani hordhac u yahay shir madaxeed kale oo ay ku
kulmi doonaan madaxda Israa’iil, Falastiin, iyo Maraykanku oo todobaadkan
ka dhici doona dalka Urdun.
Shirarkani waxa lagu wadaa inay soo afjaraan xiisadii muddada dheer ka
taagnayd bariga dhexe, isla markaana ay dariiqa u xaadho dhismaha dal
madax banaan oo Falastiin leedahay.
Top
Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxda G8. |
BBC-Booliska Swiss-ka ayaa isticmaalay xabado
caag ah, qiiqa dadka ka ilmeysiiya iyo biyo culus si ay u kala diraan dad
iskugu soo baxay mudaaharaadyo culus oo looga soo horjeedey shirka
waddamada G-8-ka.
Dadka reer Geneva saaka waxa ay ku waabariisanayaan magaallo
argagaxsan.Mudaaharaadyo socdey dhowr saacadood ayaa badhtamaha magaalada
lagu burburiyey oo lagu bililiqeystey. Waddooyinka waxa daadsan muraayado
jajabey, darbiyada daaraha magaalada intooda badanna sawiro iyo qoraallo
ayaa lagu xardhey.habeenimadii xaley ahaydna, booliska Swiss-ka waxa lagu
tuurayey oo roob looga dhigay dhagaxyo iyo bambooyin yar yar oo laga
sameeyey baansiin.
Booliskuna waxa ay ku jawaabeen waxa alla wixii sharcigu u ogolyahay ee ay
kaga hortagi karaan rabshadahaas, laakiin sidaas oo ay tahay booliska
Switzerland wey xakameyn kari waayeen dadkii bannaanbaxayda sameenayey,
waxana dantu ku qasabtey in ay booliska Germany ay weydiistaan ciidan lagu
soo xoojiyo kooda.
Markii hore, masuuliinta Swissku waxa ay ballanqaadeen in ay ku
filanyihiin bannaanbaxyada laga yaabo in looga hor yimaaddo shirka
waddamada G-8, iyagoo sheegey in ay filanayeen ilaa boqol kun oo qof in ay
ka soo qeybgalaan mudaaharaadyadaas.
Laakiin markii bannaanbaxyadu bilaabmeen, dhowr boqol oo qof oo rabsho
wadayaal ah ayaa dul jibaaxay askartii Swisska, halkaasna guryo iyo
ganacsiyo ugu geestey malaayeen gini oo khasaara ah.Dadka reer Genevena
waxa ay rabi doonaan in ay ogaadaan waxii dhacay.
Top
Shir-Madaxeedka Dalalka G8 Maxaa Ka Soo Baxay? |
Paris (W. Wararka) Shir madaxeedka dalalka G-8
loo yaqaan oo ka socda dalka Faransiiska ayaa la sheegay inuu heshiis ku
dhexmaray dalalka Maraykanka oo dhinac ah iyo Faransiiska iyo Germany oo
ka soo horjeeday dagaalkii ay Maraykanka iyo Ingiriisku ku qaadeen Ciraaq.
Sida ay sheegayaan wararku waxa heshiiskaasi dhexmaray madaxweynayaasha
saddexda dal oo isla meel dhigay xurguftii ka dhalatay dagaalkii lagu
qaaday Ciraaq.
Madaxweynaha Maraykanku ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo nabad waarta oo
ka dhacda Barriga dhexe, isaga oo booqasho uga bilaabmayso halkaasi, marka
uu dhamaado shir madaxeedka u socda dalalka G-8.
Dhinaca kale waxa shirkan ka qayb galaya dhawr ka tirsan madaxda dalalka
soo koraya, kuwaas oo kala hadlaya madaxdaasi taageero laga siiyo dhinaca
dhaqaalaha.
Shirmadaxeedkan 8-da dal ee dhaqaalaha ka horumaray oo kala ah Maraykanka,
Canada, Germany, France, UK, Italy, Japan iyo Ruushka waxa kale oo ay isla
eegi doonaan dhibaatooyinka dhaqaale ee ka taagan caalamka iyo sidii looga
gudbi lahaa.
Top
Iiraan Oo Gaashaanka Ku Dhufatay In La Baadho Hubkeeda Halista Ah. |
Tehraan (W. Wararka) Dawladda Iraan ayaa
gaashaanka ku dhufatay in wax baadhitaan ah lagu sameeyo goobaha lagu
tuhunsanyahay in lagu sameeyo hubka halista ah ee Nuclear-ka waxaanay
taasi ka dambaysay baaq ka soo yeedhay dhinaca dawladda Ruushka oo ugu
baaqay Iraan inay ogolaato baadhitaan deg deg ah oo lagu sameeyo goobaha
hubka lagu sameeyo ee Iraan.
“Ma saxeexayno wax heshiis ah caalamiya oo kale, iyada oo ay dalalka reer
Galbeedku sii wadaan ixtiraam la’aanta iyo u hogaansanaan la’aanta
heshiisyadii hore ee ku saabsanaa xakamaynta faafitaanka hubka halista,
isla markaana kaalmo uga baahnin in wax nalagala qabto tiknoolajiyadayada
aanu u adeegsanayno sida nabadgelyada ah, anaga oo u hogaansan heshiisyada
arrintaa ku saabsan” sidaa waxa yidhi Afhayeenka wasaaradda arrimaha
dibada ee Iraan Xamiid Ridaa oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Iran ee
Tehran isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray inay diyaar u
yihiin inay Ruushka kala hadlaan cabsida laga qabo hubka halista ee Iraan,
iyada oo uu Ruushku yahay dalka Iraan ka caawiya arrimaha Nuclear-ka.
Isaga oo ka hadlaya barnaamijka Nuclear-ka ee Iran waxa uu ku celiyey
doodii Iraan ee ahayd inaanay marna u adeegsanayn wax halis geliya
nabadgelyada caalamka iyo heshiisyada caalamiga ah ee arrintaa ku saabsan.
Top
Tallaabooyinka Sharon Ka Wado Falastiin. |
BBC- Ariel Sharon waxa uu ogolaanshihiisa
qorshaha jidka nabadda u soo bandhigay hab u muuqda xaqa'iqa dantiisu ku
jirto, halkii ay ka ahaan lahayd tallaabo loo qadayo dhinaca nabadda.
Waxa uu Sharon u sheegey Golihiisa Wasiirada in ogolaanshaha qorshaha
Jidka Nabaddu ee Mareykanku wato uu ilaalinayo xidhiidhka Istraatijiyeed
ee Israa'iil ay la leedahay Washington uuna ka caawini doono Israa'iil
dhaqaalaheeda liita, sababtu waxa ay tahay buu yidhi hormarka
diblomaasiyeed waxa uu noo horseedayaa faa'iidooyin dhaqaale.
Ogolaashahan Sharon waxa uu mucaaradad xoog leh uga timid siyaasiyiinta
fikradahoodu dhinaca midig u fogyihiin.
Laakiin Mr Sharon dhab ahaantii waxa uu u dabaalanayaa dhinaca mowjadaha
siyaasadda waddankiisu u socdaan, aftida laga qaadey dadka reer Israa'iil
waxa muujineysaa in aqlibiyad xoogan oo shicibka Israa'iil ah ay
taageersan yihiin qorshaha Waddada Nabadda.
Waxa Israa'iil ka jira doodo ku saabsan waxa uu dhab ahaantii uu maagan
yahay dagaalyanka odeyga ee reer Israa'iil waa Sharon-ne. Qaar ka mid ah
dadka arimaha Bariga Dhexe taxaaliisha ku sameeya ayaa rumeysan in
tallaabooyinkiisani cusubi ay yihiin kuwa xeelado ku dhisan oo kaliya, oo
lagu qarinayo siyaasaddii hore ee lagu ballaadhinayey deegaanka Yuhuudda
ee laga wadey dhulka Israa'iil ay ka heysato Falastiiniyiinta.
Laakiin, qaar kale ayaa rumeysan in Sharon doonayo in xal laga gaadho
khilaafaadka Bariga Dhexe inta lagu jiro xilligiisan u dambeeya ee uu hayo
xafiiska Ra'iisal wasaaranimada.
Ariel Sharon waxa uu u arkaa qorshaha waddada nabadda in uu yahay mid
dhinacyo badan leh oo oglaanaya in laba fasiraad laga baxsho. Tusaale
ahaan, Waxa uu Sharon sheegayaa in uu ogolayahay baaqa qorshah heshiiska
cusub ee ku baaqaya dowlad ku-mellgaar ah oo Falstiin leedahay inta aan la
gaadhin heshiiska kama dambeys ah.
Laakiin meelaha uu qorshaha nabaddu aanu ku kala cedeyn, Sharon si cad
ayuu uga hadlay. Waxa Sharon sheegey in dhulka la siinayo Falstiiniyiinta
aanu ka badan 50% inta uu ka kooban yahay deegaanka Daanta Galbeed
Falastiiniyiintuna xukumi maayaan buu yidhi xuduudaheeda.
Arinkaasi waxa ay Sharon u ogolaaneysaa in uu deegaanka Yuhuudda ku hayo
halkiisa. Taasina waxa ay waafaqsantahay mowqifkii ay Israa'iil mudada
badan ku dhaganeyd ee ahaa in Israa'iil ay xukunto ugu yaraan 50% dhulka
ku yaal Daanta Galbeed si ay u ilaaliso danaha ammaankeeda.
Falastiiniyiintu waxa ay ka cabsi qabaan in dowladda ku-meel gaadhku ay
noqoto xalka ugu dambeeya ee Sharon.
Waxana taasi ay Falastiiniyiinta ugu muuqataa, wax magac uun ka leh
muuqaal dowladeed, laakiin dhabahaantii ah in la heysto oo aan soo
afjareynin khilaafaadka Bariga Dhexe.
Top
RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas. |
Halkani waa raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka
dhegaysataan Mawjadaha loo yaqaan kaftaniishanka iyo hirarka gaagaaban ee
ilaaq istergshanka.
Dhegaysayaashayada dalbaha lehow, waxaynu soo gaadhnay xilligii aan idinku
gadhqaban jiray wararkii adduunyada, waxaana manta la macaansan doona
Weriye Mr. Dhuungal dhoodi galaal.
Isagii oo afka ka xunbaynaya.
Shirkii Kiiniya ee lagu ruquusayay arrinta Soomaaliya, Baaq dhawaan laga
soo saaray ayaa lagu dalbaday doob-guuno Caalami ah oo camcaminta la sii
wada. Doob-guunadaas oo ay ka dalbadeen wadanka cabiidka xooga weyn ee
Maraykanka iyo kuwa yurubta degdegga u maaxday. Waxa kaloo shirkaasi u
gacan haadiyay nimanka maasida lagu sheego. Wadankaas oo lagu xanto in ay
yihiin furuukh ka hadhay faraacidii hore, kaas oo siyaasad ahaan Afrikana
ka tegay, Yurubna ka yaraaday, carabna ka caalwaayay, kaas oo ka mid ah
Haadda Soomaalida cunta.
Ergiga reer Sawaaxili, Ambasaar Kildhigaan oo dawladda Kiiniya u
xilsaartay shirkaas Soomaalida budusha ka dhigo oo kooxahaas ururay
kurkooda dawlad ka sameeyo.
Mr. Kildhigaal, ayaa sheegay in haatan qorshayaashii shirkaas badankoodii
uu gorofta ka dhigay oo ay sameeyeen kabihii iyo dharkii ay xidhan lahayd
dawladda Soomaaliya dib loogu samayn lahaa. Lebiska uu sheegay in loo sii
tolay bahashaas, waxa ka mid ah: Distoor la sheegay in laga soo xigtay
diinta reer galbeedka ee dimuqrada la yidhaa oo leh Gambada madaxkuus
barjin rayiisal waaro iyo laba jaajuur oo rayiisle ku xigeeno ah, laba
gole, sida shankaroonta laga eegtay, midna Baarlamaan noqon doono, midna
Guurti istayl loo rabo. Waxa kale oo uu sheegay in shirku sameeyay
kayshaligii dawladaasi xidhan lahayd iyo muraaqibkii Taliyaha qaybtaba.
Inkasta oo aan la ogayn inuu leekaan doono iyo in kale. Shirkaasi oo in
dhaweydba ay is xariifin kaga maqnaayeen qaar ka mid ah. Bahasha ku
meelgaadhka ah ayaa lagu soo waramay ogolaadaan shirkaas, kuwaas oo qaar
xamar cadho la joogaan, qaar shirka u calaf doonteen.
Hogaamiyaha bahasha ku meelgaadhka ah Jaalle Cabdi Qasab oo shalayto ka
tawtaw lahaa BBC-da ayaa yidhi, “Hadee bahashanagii waa ogolnahay shirka
kiiniya, BAarlamaankanagiina hadee waa ansixiyay, aniguna hadaan gaadhi
isii qaada helo waan tegi doonaa.” Isagoo ka jawaabaya inuu iska sharaxayo,
wuxuu yidhi; “Hadee naftayda uma war hayo.”
Mar la waydiiyay waxyaabihii ay qabteen, wuxuu yidhi, “Wayaalo badan baanu
qabanay, waxaanu u yeedhyeedhnay Soomaaliya, waxaanu ku guulaysanay inaanu
hudheel seexano, waxa kaloonu ku guulaysanay in BBC-du na waraysato, Xasan
Bariislana dhanka kale naga eego, in aanu u baala-xooftayno dawladaha
Soomaaliya kala goynaya iyo inaanu Mooryaanta ka baqano oo aanu Somaliland
gobol ku sheegno.”
Si kasta ha ahaatee, shirka camcamintiisa lagu raagay inuu ka soo raynayo
halkii bishii hore, balse habar boqol iyo saddex jir ah ayaa sheegtay in
aan weli la gaadhin halkii kala siiban jirtay, taas oo tidhi, “Talada
Soomaaliyeed weligeedba waxay kala dhacdaa marka la gaadho dekedda
doorashada, wedka dilaana waxa weeye bahalka Madaxweynaha la yidhaa, kaas
baa Soomaali qayrkeed ka reebay ee kabaalkii jabkaas waxan odhan lahaa
yaan laba samayn.”
Waxa kale oo ay intaa ku dartay, kursigaas Madaxweynaha in ay u sharaxan
yihiin dhammaan intii shirka ka qaybgashay oo gaadhaysa sagaal boqol oo
qof oo laba boqol habro yihiin, boqolna riyo yihiin oo mid waliba keligii
qabiil yahay. Haddii mid la doorto bay tidhi, inta kale waxay noqonayaan
hogaamiye kooxoodyo ka hor jeeda, markaa balaayaba Soomaaliya waxay ka
maqan tahay intaan Madaxweyne la dooran ee shirka lagu jiro.
Dawladda Kiiniya oo markii u horeysay ee ay qaadato mashruucan Soomaali ka
ganacsiga ah, ilaa haddana lama oga in ay ka soo baxayso dawladda laabta
uun laga jeclaaday ee meel ay ka jirtana aanay garanayn iyo inuu soo
kordhin doono koox cusub oo ku hadasha Habaariyaako.
Sawt Afrika.
Wasiiro reer shankaroonlaan ah oo u midho doonay xagaas iyo Afrika oogo,
ayaa lagu soo waramay in ay dalka Sawt Afrikaan mayrax ku mareen, halkaas
oo aqoonsi ka fadhid cusub ay ka wadeen. Ishaas oo la sheegayo in ka biyo
gaadheen oo ay weftigu isha la helay wax aqoonsi u yara ego o sheeda ka
muuqda, waxa iyana warku igu soo gaadhay in wadan Muuse-biig la yidhaadho
ay soo marayeen, halkaas oo ay kula kulmeen oday mudakar ah, kaas oo
waftiga si raganimo leh u martigeliyay oo digaagad u loogay.
Hargeysa.
Madaxyuubka shankaroonlaand, oo war sheeko laga helay, ayaa tibaaxay in uu
weli ruquus-seeshan ku samaynayo dawladiisii cusbayd, waxaana la sheegayaa
inuu dhawr marduuf oo wasiiro ah ka naqaysanayo kolayga UDUB iyo wuxuu
cago ku qaato.
Kursi doonada qaranka ayaa la sheegay in wasdada kuyuu ugu jiraan oo
dhegtii dheeraatay.
Hees.
Habar adyad miidhana,
Ibtiliyo waxyeelo ah,
Aabaheed dab lagu dhufay
Asli ay lahaayeen,
Ayuunbaa ayaamahan,
Odaygan caynkana,
Adiyad iigu timidoo,
Heeso igu asqaysoo,
Waxaan yaabay igu tidhi.
Afxumadu ma fiicnee,
Indhaale habartaaay,
Hooy hooy afyuubooy,
Intikhaabyadii iyo
Arrimihii dhacaayiyo,
Malaa elegshankii baa,
Islaan yahay wax kuu dhimay
Oo kuugu wacan asaasaqa.
Waa maxay jaweyntiyo
Jaawida iyo fooxiyo,
Isa soo jejebintiyo,
Jiniyad iska baadhkiyo,
Hadba jar isku qaadkani.
Sawdigii kibraayee,
Kaambaynka kiciyee,
Kaa seexan waayee,
Kulmiyaa helaayiyo
Kaalayaayda guri jiray.
Imisaan lahaa hooy,
Yaad mirqaan la suuxine,
Sidi qabax iswaaline,
Salka dhigo islaanyahay,
Waaban kaa walaacee,
Ma jawaanadiibaa
Kugu yidhi tiraa dhiman.
Kuma caayi karaayee,
Dawlad fooli haysoo,
Wasiiradii umulaysoo,
Miic miidhanaad tahay.
Udub laba gadhyeeshoo,
Afka taagayaa tahay.
Wasiir sii dhacaayoo
Seexan waayay baad tahay.
Beesha faaanka badaniyo
Faataa-dhuglaad tahay.
Xisbi ciil is-dabayoo,
Dudmo miidhanaad tahay.
Hambalyadii la waayiyo,
Habar waalan baad tahay.
Tuu hadraawi sheegoo
Sii kibirtay baad tahay.
Carbalaayadaas daaya,
Bilistaa bidaarta leh.
Siddi- Siddi Selebareyshan Iyo Biriq Biriq Politician, Weriyaha Xogta
Sooyaalka Ee Raadiyow Ma Qaloocshe.
Sheekadii Shamis Caalin.
Rugta Soomaali Maxamed ee meelo badan markii la isugu maandhaafey wax
walbana la isku diidey lana ciideeyey xeedho weyntii madaxtooyaddii
Muqdisho ee uu ku dul-hawaarsaday ninkii loogu yeedhi jirey magacii
awoowgii. Inta cadhadii la baas mareeyey magaciisii loogu wanqalay la baqo
roggay goor galab ah oo ay taariikhdu ahayd 1991-kii horaadkiisii,
galabtaasi waxa ka jaciirtay taariikh, isla yaabka diiday siina hagoogtay
aayaddo dhukusaysa oo aan cid la xisaabtamin, waxayse gole madaxeedkeedii
shareeraa ee bahalo galeenka ahaa koodh weyn oo sudhan geed oo ay ku
jiraan hanka iyo jacaylka kursi madaxeedka iyo halaqyo waxaana si si-daba
jooga uga dhaashay siiba Koonfurta dawladihii maada waana sidan.
Ii ducee government (waa dawlad ee rag jiraa ku yidhaahdeen ninkii magaca
madaxa ahaa ee sii qaxayey “aabo noogu ducee”.
Isaga oo jiriqsanaya oo dhoola caseynaa oo wejiga kala midabeyna, ogna
halkaas ragga ducada ka sugayey inay ku jiraan rag maanta aanu sina u
bixin karin, waxaanu ku caleemo saaray koodhkii halaqyadda ee geedka
sudhnaa.
Isaga oo hagar la’aan ugu furay bahalo 20 sanadood hub lla huurka ahaa ee
lagaga soo daldaley hantidii dalka guurto, iyo ma guurto-ba Alle ma yabaan
ruushka iyo Mareykana carabtuna daba shaxaadeysyskii khabiirada wey ee
cilmiga raad raaca, sooyaalka u bidaaraysatay ee Shamis Caalin waxay tidhi
“waddaadkii galbaday waxa uu isku sii axan iyo fideeyey kuwii hebelo lahaa
ee ahaa dhiig la yuurarka isa sii eedeysane waxa k a dhashay markaan soo
koobo.
-Dawladdii “Maalkay” 1992-kii
Dawladdii “Muraayo” 1992-kii Djibouti
Dawladdi “ina Qaali Unisom” Xamar, 1993-1994-kii
Dawladdii Sinno baahsan 1995-1996-kii.
Dawladdii Suryar Qaahira
Dawladdii Sii qaxa iyo Hawaase, soo qax Adhis ababa.
Dawladdi Caris Carta iyo qaar kaloo badan.
Oo u adeegayey waxyeelaynta bulshada Soomaaliyeed.
Iga Goo Halaqa (Somaliland).
Isla markii uu ka bilaabnay soomalida xuruubtii shirbiskii dhiig-daadiye.
Dhinaca kale waxay khabiiradu waxoog ka tidhi “Dawladdii ugu horeysay
dhinaca waqooyiga oo ka duday casuumaddii halaqyada samaystayna dawladdii
ugu horeysay ee maka “Mudhay” 1991-kii, Burco bishii Mey dibna loo
meher-xaday markii loogu masaafeeyey Boorama 1993-kii, hase ahaatee si
bilaa turxaan ah la isugu haneeyey. Taasoo sinbiririxatey ayaddoo labo
dhal ah kii saddexaadna kuftintii kaga soo dhacay oo qoys-weynidii reer
shankaroonland kala maqnaayeen in muddo ah ayaddoo aafaddu ka dhacday
“Aabahayo ayaa laga baxay, shankaroonland iyo waa tii isaga fasaqday iwm”.
Hase ahaatee waxay kala weji dadbaanba waxay Shankaroon loo meher
xalaaleeyey 1997-kii, inkasta oo ay waddaadadu lahaayeen wuu yar yaraa
marxalalayaa, may dhicin sidaas darteed markaas iyo mar ka sii horeeyeyba
waxa dudmo halaqyaddii ugu galay Shankaroon Land oo aan culays kafad dejis
ah ahayn oo ilaa haatan qaba xannuun aan Koonfur ciil la yuurar ha u bixin
la yidhaa.
Marka lagu noqdo taariikhda ihii o hooda ee dhinaca dhinacyeyneysay
fagaaraha u dhexeeyey Gole gole iska eega ee xilligii 1997-2002-kii, waxay
isku meydhay geed joogta dalka Shankaroonland, soo goollaaftankii
distoorka iyo hiqitaankiisii oo ku sigtay in la raaciyo dixda balaadhan ee
maroodi jeex ee dhex marta magaalo madaxda dalka ee ah Al-masiibo ka soo
doogga ah ee cid walba qaada jinka iyo insigaba, ayaddoo waayo arag buuxa
ku noqotay mahadhooyin muddo soo marayey. Taasoo aan looga hiilin hoona
loo fidin ilaa heeyda mooye.
Odeygii distoor wuxuu soo daalaa dhaco oo yur iyo judba la guraba waxa uu
si qurux badan oo aan malaha la yara buunbuunin si xalaal ah ugu geed
fadhiistay ninIna shankaroonland waxaana ay si deg deg u dhashay “UU”,
SAAS” “BIRHOR” “KUUL”.
Ka soo yaacii sawaxankii ka dhashey dawladda iyo salaadiintii gorofku ka
buuxsamey ee waxa yara goconaysey waxa shankaroonland u shafeecay (BIRHOR)
(SAAs) waxaana orodkii geedka soo nabad gaadhay KUUL iyo la xigee.
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Talo Waa Mar Aad Gaadhi Weydo Iyo Mar Aad Garan Weydo. |
Waxaa isweydiin leh taladii 60-kii Somaliland
ku tagtay Koonfur Afrika iyada oo xornimo iyo madax banaani la haysto,
waxay is-weydiintu tahay maxay keentay arrintaasi dhibaato maxaase laga
faa’iiday?
Waxaa fiican in dadka reer Somaliland xasuustaan wixii soo maray.
Xornimo laalkii 60-kii waxaa laga faa’iiday dhibaato naf iyo maalba leh,
iyo dib dhac 43 sano ay dadka reer Somaliland ku galabsadeen abaal darro
kaga timid dadkii ay xornimadoodii u dhiibteen.
Maanta waxaynu ka hooseynaa maalintii 60-kii ee aynu xornimada godka
inagaga dhacday, waxaa xusuus mudan in gumaystihii Ingiriisku inoo ogolaa
in aynu ka qayb galno barwaaqo sooranka adduunka (CommonWealth)
taladeeniina waxay ina dhaxalsiisay tan aan maanta ku jirno.
Waxaa isweydiintu leh muxuu saamayn ku yeelan karaa shirka ka socda Kenya
siyaasadda Somaliland haddii uu suurto galo, waxaa iska cad in uu inagu
keeni karo, dhibaato siyaasadeed haddii aan laga tashan, waxaa la inoo
sheegay in ciidamo hub ka dhigis ku samaynayaa imanayaan Soomaaliya,
haddey dhacdo oo ay yimaadaan ciidamadaasi goboladeena Sool iyo Sanaag
Bari ee ay joogaan ciidamada Koonfureed oo ay halkaa ugu yimaadaan saw
labadaa gobol la xeer noqon maayaan oo raaci maayaan go’aanka koonfurta
lagu fulinayo, miyaaney markaa kuwaasi maanta la mid ahayn taladii 60-kii
lagu lumiyey xornimada Somaliland oo aanay waliba halkaa ku lumayn
masiirkii iyo himiladii ay lahayd Somaliland.
Saddexda gobol ee hadhay maxay qiimeyn yeelanayaan, halkaa waxaa ka cad in
ay luntay khariiradii iyo jiritaankii Somaliland, waxaan markaa u soo
jeedinayaa dawladda iyo shacabka reer Somaliland in la soo celiyo
masiirkii Somaliland lana gaadho xuduudaheeda si mawqif midaysan loo
yeesho oo aanay jirin kala qaybsanaan cid walibana garato hawsha inta kaga
Aadan, waana wax fudud sida arrintaa looga midho dhalin karaa aragtidayda.
Waxaa arrin lala yaabo ah in labada Garaad ee ka soo hadlaya Boosaaso ee
heshiisiinta ka dhex wada kuwa isku haya maamulida Puntland mar hadday
nabadayn ku jiraan, xaggay ku tiriyeen arrintii Madaxweyne Rayaale lagu
soo weeraray Laas-caanood, ciidamada falkaa geystayna ay wali joogaan
Laas-caanood, haddey nabad ka hadlayaan arrintaa xaggay kaga tageen, mase
xasuusan yihiin oo ma ka hadli doonaan.
Markaa waxaan ku soo gebagebaynayaa kuna talinayaa in arrintaa laga hadlo
sida ugu deg-dega badana loo gaadhsiiyo qaramada midoobay, midawga Afrika,
midawga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo dalalka hormoodka ka ah hubka ka
dhigista Soomaaliya in aan la soo faro gelin jiritaanka iyo xuduudaha
Somaliland loona aamusin mawqif cadna laga qaato.
Waxaanu mar labaad soo jeedinaynaa in aan lagu dhicin talo xumaantii
60-kii ee la garto tan maanta aynu taaganahay lana ilaaliyo isku duubnida
iyo jiritaankeena.
Axmed Xayir Xasan, Laas-caanood, Somaliland.
Top
Wuxuu yidhi ma doonaysaa inaad ku jirtid had
iyo goor amaba liiska isbedelada jagooyinka sare ee dalka, gaar aahana
kuwa loo nisbeeyo siyaasadda sida, Madaxweyne, Wasiir, ku xigeen, iyo
agaasime guud, iwm. Hadday taasi dani kaa hayso, waa sahal sida lagu helaa
ee waxay kaaga baahantahayna ha iskaga lumin wakhti.
Horta wakhti ha iskaga lumin inaad baratid cilmi sidaas u sii fog oo
qorista iyo akhriska afka hooyo kaaga filan, taas siyaasaduna ha moodin
cilmi ee waa xarfad iyo shidaarad waana dhaqan aad u yeelan karto.
Waa haddii aad u haysid himad ood iyada awgeed u nooshahay, doonaysidna
inaad ku noolaato, haddaad dareentid inaad u noolaan karto sidii aad ka
dib ugu noolaan lahayd iyadaas qaado taladan.
Marka hore isku eeg oo ku tijaabi saaxiibadaa, sidaad had iyo goor ugu
dhex jiri lahayd adiga oo ku danaysanaya iyaga oon ku dareemin, amaba
hadday kugu gartaan danaystanimada aad haddana uga dhexbaxdeen dantaada
aqgeed, oo sidaad marlabaad adiga oon ujeeadadii iska bedelin haddana waji
cusub oo xilliga la socda kula dhaqmi lahayd, hadday kugu aqbalaan fiican.
Haddii kale haddana waji doors ila ay iska kaa aqbalaan , taasi haddii aad
ku guulaysato uga gudub reerka, oo isla hawshii kula dhaqan odayadooda
ilaa ay gacanta kaa qabanayaan ooy kaaga gaynayaan goobta xulashada
mansabyada siyaasadda dalka, markaa aad isku hubsato inuu magacaagu
gaadhay halkaas ogow inaad qalin jebisay halkaas laguu dhiibana ugu
shaqayso inaadana ka bixin liiska aad gashay oo ha ka xidhiidh furan kuwii
ku soo gacan qabtay, isku hawlin inaad raali geliso ka ku magacaabay
isaguba sidaada ayuu ku yimade.
Xilkaas ka dibna ka cabsi qabin inaad hoos uga dhacdid, hadduu marka hore
ku eryo, ilayn isaga waad ka mashquulsanayde, iska sug oo waliba mucaarid
u dallac oo kuba shid isaga ayaa kuu yeedhane, ama ka beddelaa waa qasab
inuu ku qorto.
Haddaba ma kuu sheegaa sidaad adkaysi ugu yeelan karto, ha iga xanaaqine,
waa adiga oo birma-geydo yeesha, oo xakamihii la odhan jiray xishood ka
ilbaxa oo dabayshu xaggay kuula kacdo aan iska qaban. Haddii hanti wadaag
la doono waad tahay, haddii hanti goosad doono waad tahay, haddii
dimuqraadi la doono ilaa dumarku inay furaan ragga ayaad kuba jirtay
ololihiisa, haddii la isku soo cidhiidhiyo oo lagu dhaqmo xeerka Islaamka.
Imaamka masaajidka ayay daba taal siyaasadaadu, weliba ku qor magacaaga
iyo cinwanka lagaaga yeedhi karo marka jagadu kuu soo baxdo.
Midna iska ilaali oo ilbax noqo ha xanaaqin haddii maanta lagu casilo oo
durba afka ha kala qaadin ileyn laga yaabaa in berriba laguu yeedhaaye oo
meel ka weynba laguu dhiibaaye, sideed tahay soodigii liiska galay, ma xul
kale ayaa la isku hawlayaa aidga ayaaba lagu dhaqan bartaye. Cajab Alleh
xilku culusaa oo xulasha fududaa dadyahaw mise waa xal ee maaha xul.
C/laahi Hargeysa 8/08/94
Top |