Gees Oo Beesha Caalamka Uga Digay Cawaaqib-Xumo Ka Iman Karta Ictiraaf
La’aanta Somaliland. |
Johansburg (Haatuf): wasiirka arrimaha debadda
ee dawladda Somaliland, Maxamed Siciid Gees ayaa beesha Caalamka, gaar
ahaan dawladdaha jaarka la ah Somalilad ugu baaqay inay Ictiraaf
diblomaasiyadeed oo buuxa u fidiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka arrimaha debaddu waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu saxaafadda
Koonfur Afrika ku siiyey magaalada Johansburg horaantii todobaadkan, ka
dib markii ay wefti uu hogaaminayey soo gabagabeeyeen booqasho ay ku
joogeen dalka Koonfur Afrika, wuxuuna wasiirku beesha caalamka uga digay
caaqib xumo ka dhalan karta Ictiraaf la’aanta Somaliland, isaga oo
arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Adduunyaddu kama taag-hayso inay naga
gasho qaladkii ay dawladaha carabtu ku diideen berri hore inay Ictiraafaan
dawladda Israa’iil taas oo caalamka u horseeday xasilooni darro dami
weyday iyo khasaare dad iyo duunyaba leh, oo ku yimaada dadka reer
Falastiin iyo Israa’iil, sidoo kale geeska Afrika iyo caalamkuba uma taag
hayaan in khasaarahaas oo kale dhaco, haddii la iska indha tiro
xasiloonida ka jirta Somaliland iyo nidaamka ku dhisan hanaanka
dimuqraadiyadda ee ka hirgalay, taas oo ay ugu dambeeyeen doorashooyinkii
dawladaha hoose iyo kuwii madaxtinimada ee dhawaan dalka ka qabsoomay”.
Weftigan oo muddo todobaad ka badan safar ugu maqnaa Koonfur Afrika waxa
uu socdaalkoodu ka dambeeyey marti qaad uu madaxweynaha Koonfur Afrika
Imbeki hore ugu soo diray dawladda Somaliland, waxayna muddadii ay joogeen
kulamo la yeesheen madax ay ka mid yihiin madaxweynaha, wasiirka arrimaha
dibadda, wasiirka deegaanka, iyo gudoomiyaha xisbiga ee ANC ee talada
dalka Koonfur Afrika haya.
Sidoo kale weftiga Somaliland waxay halkaa kula kulmeen wasiirada arrimaha
debadda ee Mozambique iyo Sudan iyo waliba ra’iisal wasaaraha dalka
Mozambique Maputo, iyada oo ay weftiga Somaliland halkaa kula kulmeen
guddiga qaban qaabinaya shirweynihii dalalka Afrika oo ka furmaya
magaalada Lagos ee dalka Nigeria.
Weftiga Somaliland waxay ka koobnaayeen wasiiradda arrimaha dibadda
Maxamed Siciid Geess, iyo arrimaha qoyska Edna iyo wasiirka deegaanka
Maxamed Muuse Cawaale, waxay sida lagu soo waramay muddaddii ay halkaa
joogeen ku talaabsadeen dhaq-dhaqaaqyo la xidhiidha qaddiyadda Somaliland
iyo xidhiidho ay ku doonayaan u ololaynta ka qayb galka shirka midawga
Afrika, waxayna wararku sheegeen inay safarkooda ku soo gabagabaynayaan
dalka Itoobiya.
Top
Culimo’udiinka oo xilkii waan-waanta ku wareejiyey salaadiinta. |
Hargeysa (Haatuf): Koox culimo’udiin ah oo qayb
ka ahaa dhaqdhaqaaq waan-waan iyo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen dhinacyo
isugu jiray culimo’udiin iyo salaadiin, taas oo dedaalkeedu ahaa in xal
loo helo khilaafka u dhexeeya labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE ayaa
sheegay inay xilkii ku wareejiyeen salaadiinta, sidaana waxay ku sheegeen
bayaan qoraal ah oo ay shalay soo saareen, iyaga oo intaa ku daray inay
hawsha waan-waantu meel fiican marayso, laakiin qoraalkaasi isaga oo
dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:
“Ka dib markii aanu muddo dheer ku hawlanayn ka war-haynta iyo la socodka
xaaladaha ka dhallan karayey tartankii doorashada madaxtooyada, gaar ahaan
dhinaca nabadgelyada iyo wadajirka ummadda. Anaga oo kulamo badan la
yeelanay ka hor doorashada iyo ka dib-ba madaxweynaha iyo madaxda
xisbiyada, mudada dambe si gaar ah ugu hawlanayn sulux raadin ku saabsan
hadalkii ka dhashay diidmadii KULMIYE ee uu ku diiday natiijadii go’aankii
doorashada. Iyadoo ay hadaba arintani soo gaadhay heer fiican oo wax ku
ool ah, waxa dhowaan suluxan ka soo qayb galay salaadiinta dalka, isla
markaana waxay salaadiintu jeclaysteen in arintan dhamaystirkeeda loo
daayo iyaga, ka dibna culimadani waxay go’aansadeen inay hawsha uga baxaan
salaadiinta, iyadoo ay madaxda xisbiga KULMIYE ay arintan la qaateen
salaadiinta, sidaana aaanu dhinaca kale kula socod siinay, waxaanuna
ummadda reer Somaliland u sheegaynaa in arintu meel fiican marayso,
culimaduna ay dedaal badan arinta ka galeen.
Waxa kale oo aanu xusuusinaynaa salaadiinta, xukuumadda iyo xisbiga
KULMIYE inay ahmiyadda koowaad siiyaan danta, xasiloonida iyo horumarka
ummadda.
Ugu dambayn waxaanu mahad-naq gaar ah u jeedinaynaa madaxweynaha
Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE sidii wanaagsanayd ee niyad
samida lahayd ee ay u qaabileen dedaalkii ay culimadu wadeen.
Waxa kale oo aanu mahad-naq balaadhan u jeedinaynaa ummadda reer
Somaliland meel ay joogaan-ba sida xilkasnimada leh ee ay meel uga soo
wada jeesteen ilaalinta nabadgelyada iyo isku duubnaanta. Anaga oo ummadda
xusuusinayna cabsida ilaahay iyo inay ilaahay uga mahad celiyaan
nabadgelyada iyo xasiloonida uu ku mannaytay”.
Magacyada culimo’udiinka qoraalka saxeexay:
Sh. Maxamed Cumar Dirir
SH. Ismaaciil Cabdi xasan
Sh. C/laahi Cabdi Cali
Sh. Aadan Axmed Ducaale
Sh. C/raxmaan Axmed Aw-Cabdi
Sh. Xasan C/salaan
Sh. Muxumad Cali Geedi
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun.
Top
Dedaalka Waan-Waanta, Mawqifyada Kala Fog Iyo Su’aalaha Taagan. |
Hargeysa (Haatuf): Maalmihii u dambeeyey waxa
socday dedaal waan-waan ah oo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka iyo
xurgufta siyaasadeed ee xooggan ee ka dhex-ooggan labada xisbi ee UDUB iyo
KULMIYE , kaas oo ka dhashay go’aankii natiijada doorashada madaxtooyada,
taas uu xisbiga UDUB ee uu hogaamiyo madaxweyne Daahiur Rayaale ku
guulaystay, laakiin uu xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo siyaasiga
Axmed-Siilaanyo ayaa isna dhiniciisa gaashaanka ku dhuftay aqbalaadda
go’aankaa, kuna tilmaamay mid cadaalad daro ah oo aanay marnaba ku qancayn,
isla markaana aanu aqoonsanayn wax kasta oo ku salaysan natiijada
doorashada.
Toddobaadkii hore ayey hogaamiyayaasha KULMIYE soo saareen bayaan ay si
adag ugu qaadaceen aqbalaadda go’aanka natiijada doorashada, laakiin waxay
intaa raaciyeen inay diyaar u yihiin wada hadal lagu furdaamiyo
mushkiladda, laakiin madaxweyne Daahir Rayaale iyo xisbigiisa UDUB iyo
weliba dhinacyo ay ka mid yihiin shirgudoonada baarlamaanka ayaa
canbaareeyey mawqifka KULMIYE, kuna tilmaamay mid dafiraya haykal
dawladeed ee Somaliland ka jira iyo shuruucda dalka u taal, isla markaan
waxay qoraalo iyo shirad jaraa’id oo ay dhinacyadani qabteen ku sheegeen
in wada hadal la isugu yimaadaa ay shardi u tahay inuu KULMIYE horta
aqbalo go’aankii natiijada doorashada, balse hogaamiyayaasha KULMIYE ilaa
hadda kama soo debcin mawqifkooda, waxayna labada dhinac maalmihii ina
dhaafay atmosfeerka warbaahinta isku dhaafsadeen dhanbaalo kulkulul oo ay
qolaba qolada kale si kulul ugu durayso. Laakiin markii ay arintu halkaa
istaagtay ayey kooxo isugu jira culimo’udiin iyo salaadiin bilaabeen
dedaal ay ku dhexdhexaadinayaan labada dhinac si khilaafka xal loogu helo.
Inkasta oo aanay qolada dhexdhexaadintu wax tafaasiil ah ka bixin halka ay
ka duulayaan iyo qaabka ay doonayaan inay wax ku dhexdhexaadiyaan ama
halka ay doonayaan inay arinta ku dhuftaan, hadana warar ku dhowdhow ayaa
tibaaxay inay ugu horayn hiigsanayaan inay arinta wada hadal ku soo
dabaalaan oo aan sidaa lagu kala jiiddan, laakiin su'’asha ay dad badani
iswaydiinayaan waxay tahay inta aan wax kaleba la gaadhin aqlabaadda wada
hadalku intee inle’eg ayey labada dhinac suurtagal ka tahay, taas oo ay
dadku uga jeedaan mawqifyada kala fog ee ay labada dhinac kala taagan
yihiin.
Waayo madaxweyne Daahir Rayaale iyo hogaamiyayaasha kale ee UDUB wada
hadal ay KULMIYE la yeeshaan waxay shardi uga dhigeen inuu KULMIYE horta
aqoonsado go’aankii maxkamadda sare ee natiijadii doorashada, laakiin
hogaanka KULMIYE waxay taa kaga jawaabeen “Waxaanu diyaar u nahay wada
hadal bilaa shuruud ah”, taas oo loo macnaysan karo iyadoo ay qolo waliba
mawqifkeeda xanbaarsan tahay aynu wada hadalo”.
Sida ku cad qoraal ay shalay soo saareen kooxdii culimo’udiinka ahayd
waxay hawshii dhexdhexaadinta u daayeen salaadiinta oo keliya, iyaga oo
sababtana ku macneeyey salaadiinta oo jeclaystay inay hawsha keligood
wadaan, hase yeeshee su’aasha meesha taal waxay tahay salaadiinta oo la
aaminsan yahay inay yihiin rag mawaaqiifta siyaasadda kula duwan, kuwaas
oo qaarna loo tiriyo dhinaca mucaaradka, qaarna loo tiriyo dhianca
muxaafidka ama dawladda, iyagu intii aanay arinta gelin ma qaateen mawqif
dhexdhexaad ah iyo istaraatijiyad ay ka midaysan yihiin.
Sida ay wararka amuurtan la xidhiidhaa tibaaxayaan qolada waan-waanta
waxay dhinacyada bilowgii waydiisteen inay kalsooni ay arinta ku galaan
siiyaan, taas oo la sheegay inay dhinacyadu yeeleen, laakiin lama oga inay
jirto cid shuruud fartay, balse wixii intaa ka dambeeyey waxa dhacay
kulamo gooni-gooni ah oo ay qolada dhexdhexaadintu la yeesheen dhinacyada,
iyadoo ay qolada dhexdhexaadintu kulamada qaarkood isu dhamaayeen, qaarna
ay iyaga oo goosamo kala duwan la yeesheen, taasna waxay wararka u
dhuundaloolaa ku macneeyey mawaaqiifta iyo istaraatijiyadda kooxaha
waanwaanta wada oo aan aad isugu dhillayn, taas oo la leeyahay tifaftir
shilis kuma ay samayn istaraatijiyadda ay ka duulayaan iyo dariiiqa ay u
marayaan ka midho-dhalinta xal u helidda khilaafka dhumucda leh ee meesha
yaal iyo weliba ajandayaasha bud-dhigga u ah bartilmaameedkooda, taas
darteedna waxay wararka qaar leeyihiin waxaad arkaysaa iyaga oo mararka
qaarkood kala goosmay oo aad mooddo inay qoloba si jeceshahay in arinta
loo daadihiyo, laakiin ma jiraan warar xaqiijinaya inay hanaanka
geedisocodka iyo istaraatijiyadda barnaamijka loo wadayo isku khilaafsan
yihiin, isla markaana hawshii waan-waantu way socotaa, laakiin marka taa
laga yimaado waxa meesha yaal dhawr su’aalood oo arinta khilaafka la
xidhiidha, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Mawqifka runta ah ee xisbiga
KULMIYE hadda muxuu yahay, isla markaana KULMIYE ma ku qancayaa wax ka
sokeeya kursiga madaxtooyada oo uu helo. Sidoo kale madaxweyne Rayaale iyo
xisbigiisa waa maxay mawqifkoodu, maxaase madaxweyne Rayaale la gud-boon,
laakiin hadiiba ay dhacdo in lagu guuldaraysto waanwaanta hadda la waddo
oo sidaa lagu kala dhaqaaqo “ilaahay inaguba keeno’e” maxay noqonaysaa
cidhibta dambe ee Somaliland?
Marka laga yimaado mawqifka KULMIYE ee ah inaanay marna ismacayn go’aankii
natiijada doorashada iyo wixii la xidhiidha toona waxa la iswaydiin karaa
ama ay dadka qaar u arki karaan “malaa KULMIYE iminka shardi ka dhigi
maayo ilaa Madaxweyne Rayaale iyo Kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin
kuraasta nalooga soo rogo waxba naga juusi maayaan”, laakiin hadii ay
taasi tahay inay sharuudahooda laf-dhabar u tahay waxay dad badan ugu
muuqataa mid adag oo fogaan karta xalkasta oo la baadidoono, laakiin dood
kale ayaa jirta, taas oo ay dadka arimaha siyaasadda ka faalooda qaarkood
gole keenayaan, iyaga oo leh
“Asalkaba xisbiyada mucaaradku hadii ay waayeen kuraasta madaxtooyada iyo
xukuumadda, isla markaana aanay mudanayaal ku lahayn golayaasha
baarlamaanka, waxay isu arkayaan niman gebi-ahaanba ka qatan talada dalka,
taas darteedna way adagt tahay waxa ay ku qancaan”, iyaga oo dadka
aragtidan qabaa intaa ku daraya, taas oo kale kama dhacdo dunida ku
dhaqanta hanaanka axsaabta badan iyo nidaamka dimoqraadiyadda ee hadii uu
xisbigu madaxtooyada waayo waa inuu ka mid yahay baarlamaanka si uu
hogaanka dalka mar walba isaga dhex arko, hadii ma jiro karo, lamana odhan
karo waa xisbi qaran”.
Masalan dalka Maraykanka hadii ay labada xisbi ee ku tartama hogaaminta
dalka uu mid ka mid ahi ku guuldaraysto tartanka madaxtooyada koleyba waxa
uu ka mid yahay labada gole ee wakiilada iyo senet-ka, taas darteedna mar
qudha talada banaanka kama joogo ee doorkiisa ayuu ciyaarayaa. Sidaa
awgeed dadka qaar waxay aaminsan yihiin xisbiga KULMIYE hadii uu
golayaasha dawladda dhamaantood ama qaarkood iska dhex-arki lahaa kuma
dheganaadeen mawqifka fog ee uu taagn yahay. Laakiin iminka maadaama ay
madaxtooyadii waayeen, isla markaana baarlamaanku ay muddo dhawr sannadood
ah korodhsadeen, sidaana ay taladii kaga qatan yihiin waxay arintoodu u
ekaanaysaa inay banaanka joogaan, isla markaana aanay la shaqayn xukuumad
kasta oo uu madaxweyne Rayaale dhiso.
Dhinaca kale madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa waxay wararku leeyihiin way
rabaan inay mucaaradka kalsooni ka helaan, isla markaana ay dawladda ka
mid noqdaan. Laakiin dadka arimahan u dhuundaloolaa waxay leeyihiin
istaraatijiyadda madaxweyne Rayaale ee arintaa ku waajahani kama badna
inuu xukuumadda uu dhisi doono mucaaradka dhawr wasiir siiyo, sidaana ay
kula shaqeeyaan, laakiin khud-bad uu fagaaraha khayriyadda Hargeysa ka
jeediyey waxa uu ku sheegay inuu dhisi doono xukuumad wadaag ah oo uu ay
mucaaradku qayb ka yihiin, balse tafaasiil kama bixin sida ay arintaasi
noqonayso. Isla markaana waxay dadku su’aalo iska waydiinayaan sida ay
noqonayso dawladda wadaagga ahi.
“Marka dawlad wadaag ah laga hadlayo waa inuu xisbiga mucaaradka ahi ka
mid yahay baarlamaanka, laakiin laba-saddex wasiir oo nalaga qaato,
beritona la soo eryo ma noqonayso dawlad wadaag ah” sidaa waxa ku tiraabay
mid ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE oo arintaa ka hadlaya.
Laakiin madaxweyne Rayaale laba arimood mid uun baa la gudboon inuu dhiso
xukuumad xisbigiisa ka kooban uu sidaa kaga talo baxo KULMIYE dabka ay
doonto ha kulaashee iyo inuu talaabo adag, taas oo ah inuu dhiso dawlad
wadaag ah oo sal-balaadhan, mucaaradkana uu la gaadho heshiis qoto fog,
waxayse dad badan ugu muuqataa inay lagama maarmaan tahay in la helo wax
loo dhan yahay si ay dawladda cusubi u noqoto mid dhaqaaqda oo wax ka
bedesha hanaankan maamul ee fadhiidka ah, laakiin waxa hogaanka UDUB iyo
hogaanka KULMIYE waxa labadaba looga baahan yahay inay ka fekeraan sidii
loo gaadhi lahaa xal wax ku ool ah, dalkana looga saari lahaa duruufta
adag ee ku gadaamman.
Top
Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Dil Ku Xukuntay Gacan Ku Dhiigle. |
Berbera( Haatuf ): Maxkamada gobolka saaxil
ayaa dil ku xukuntay gacan ku dhiigle, Maxamed Ciise Xayir oo dadiisu
ahayd 30 jir, ka dib markii ay ku maxkamadu sheegtay inay ku cadaatay inuu
si ula kac ah dil ugu fuliyay al haw naxariistee marxuum C/ qaadir maxamed
ismaaciil oo lagu naanaysi jiray cabdi( madoobe ). Marxuumkaas oo dadiisu
ahayd 24 jir waxa uu gacan ku dhiigluhu ooda kaga qaaday rasaas 21/4/ 03 ,
isagoo sida la sheegay waqtigaa ku sugnaa meherad uu ka shaqaynayay oo ku
taal badhtamaha magaalada Berbera , halkaas oo uu ku nafwaayay
marxuumkaasi. Sida uu noosoo tebiyay weriyaha Haatuf ee berbera C/raxmaan,
x dDahir casaan waxay maxkamada gobolka saaxil dil ku xukuntay maalintii
doraad , gacanku dhiigle maxamed ciise xayir markii ay ku cadaaay inuu si
badheedh ah u fuliyay dilkaas.
Top
Shirkada TOTAL Oo Diiday Amaro Ka Soo Baxay Xukuumadda Somaliland. |
Berbera (Haatuf) Masuuliyiinta shirkada Total
ee gacanta ku haya Haamaha shidaalka ee berbera ayaa diiday inay fuliyaan
amar ka yimi dhinaca masuuliyiinta sare ee xukuumada iyo kuwa gobolkaba,
kaas oo ahaa xafiis serfay dhinaca maraakiibta ah oo loo ogolaaday inuu
furto Eng xuseen axmed khayre.
Xafiiskaas oo shaqadiisu tahay inuu qiyaaso oo hubiyo shidaalka ay
maraakiibtu sidaan ee lagu shubayo haamaha shidaalka iyo maraakiibta
badeecadaha sida ee kusoo xidhata dekeda berbera, hase ahaatee xafiiskaa
oo dhowaan laga furay magaalada berbera ka dib markii uu buuxiyay
shuruucdii looga baahnaa, isla markaana ay masuuliyiinta sare ee maamulka
xukuumadu siiyeen ogolaansho, iyadoo sida ku cad qoraalka kasoo baxay
xafiiska wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta oo tixraacaya qoraal kale oo
hore ugasoo baxay xafiiska madaxweynaha jsl mudane daahir rayaale oo kala
tashaday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, qoraalkaas oo uu
madaxweynuhu ku amrayay inay masuuliyiinta gobolka saaxil gacan buuxda ku
siiyaan hawl gelinta xafiiska farsamada bada ee loo ogolaaday muwaadinka
magiciisu yahay xuseen faarax khayre. Sidoo kale gudoomiyaha gobolka
saaxil maxamed c/laahi maxamed iyo xeer ilaaliyaha gobolka ayaa ku amray
shirkadaha wakiilada maraakiibta in la tix geliyo hawsha xafiiskaa ee
sharciga ah, waxayna masuuliyiintu qoraalkooda ku sheegeen inaan debed
laga keeni karin dad ajaanib ah oo hawshan qabanaya, gudana laga keeni
karin xafiiska ogolaanshaha haysta mooyee, laakiin waxa is-hortaagay
fulinta amaradaa masuuliyiinta shirkadda TOTAL ee gacanta ku haysay
haamaha kaydka shidaalka, iyadooo Tanker kuwa shidaalka qaada ah oo
dhowaan yimi, isla markaana shidaal u sidday shirkadda TOTAL dalka
Senegaal looga soo kiraystay dad qabta hawsha baadhitaanka iyo qiyaasta
shixnadda markabku xanbaarsan yahay, laakiin hadda ka hor dadka hawsha
sarfeyga qabta waxa laga keeni jiray dalka Jabuuti, balse wixii ka
horeeyey intii ay shirkadda TOTAL la wareegtay gacan ku haynta haamaha
kaydka shidaalka hawsha sarfeyga waxa qaban jiray dad muwaadiniin ah oo ay
ka mid yihiin EnG: Maxamed Xoore (Laakiyaane), kaas oo meesha ka baxay
markii ay shirkadda TOTAL la wareegtay maamulka haamaha shidaalka.
Arintan ay shirkadda TOTAL isku hortaagtay qoraalada masuuliyiinta
dawladda dhexe iyo kuwa heer gobol-ba waxay la yaab ku noqotay dadka reer
Berbera, iyadoo ay shirkadda TOTAL gacan ku haynta maamulka haamaha kaydka
shidaalka iyo iibka shidaalkaba xukuumadda Somaliland ku wareejisay muddo
dhawr sannadood ka hor ah, lana gashay heshiis waqtigiisu gaadhayo muddo
50 sannadood ah, laakiin xiligaa wixii ka horeeyey waxa shidaalka keeni
jiray ganacsato wadaniya, qiimaha shidaalkuna waxa uu ahaa mid aad u
jabban. Hase yeeshee hashiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda TOTAL
golaha wakiilada ayaa diiday ansixintiisa, balse taasi meesha kama saarin
heshiiskii ee wuu dhaqan galay oo xukuumaddu way socod siisay.
Waxa kale oo ka mid ah amarrada ay shirkadda TOTAL fulin wayday dacwad ay
shirkadda ku oogeen niman dhalinyaro ah oo shirkadda ku yeeshay lacag
mushahar iyo xuquuq ay ugu yeesheen shirkadda muddo ay u shaqaynayeen,
taas oo ay maxkamadda sare u xukuntay, laakiin aanay shirkaddu ilaa hadda
fulin.
Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan Casaan oo isku deyey inuu
sababta ay shirkadda TOTAL amaraddan u fulin-wayday wax ka waydiiyo
maamulaha shirkadda ee xafiiska Berbera , C/wahaab Xuseen uma ay
suurtagelin weriyaha inuu ka kulmo.
Top
Waddo-Xidhantay Iyo Dhismo Sharci Daro Ah. |
Hargeysa (Haatuf): “waxaan ku farayaa inaad
banaysaan goobta sida sharci darada ah looga seestay meesha wadada ah”;
sidaa waxa yidhi maayar-xigeenka Hargeysa, Aadan Ismaaciil Jirde oo 16-kii
Jananweri 2003 qoraal amar ah ka soo saaray dhisme laga seesay meel waddo
ah, iyadoo uu maayar-xigeenku amar ku bixiyey in dhismaha halkaa laga
seestay la dumiyo, maadaama uu sharci daro yahay, isla markaana uu waddo
ku yaal.
Dhismahani waxa uu ku yaal meel waddo ah oo dhinaca koonfureed ka xigta
dhismaha STAR MINI-MARKET ee waaxda Maxamuud Haybe, wuxuuna dhismaha
halkaa laga seesay gebi ahaanba jaray waddo dhinaca galbeed uga bixi
lahayd waddo laami ah oo ay afar waddo ku kulmaan, sidoo kalena dadka
wadada xidhan hareeraheeda dhismayaasha ama jagooyinka ku leh ayaa cabasho
xoog leh ka muujiyey dhismaha halkaa laga seesay, iyaga oo ku cawday inuu
xidhay albaabadii ay guryahooda ka soo geli lahaayeen.
“Afarta dhinac-ba way naga xidhan tahay, xaafadda oo dhamina way ooyeysaa”
sidaa waxa tidhi hooyo ka mid ah dadka halkaa guryaha ku leh. Sidoo kale
Ibraahim Muxumad oo isna ka mid ah dadka ugu darran ee ay arintani
saamaysay ayaa yidhi “Muddo dhawr iyo toban sannadood ah ayaan qurbaha ku
maqnaa wixii aan soo shaqaystayna waxaan siistay jagadaa, tiina afarta
albaaba waa layga xidhay”.
Sidaa awgeed waxay madaxda dawladda hoose iyo kuwa dawladda dhexe
qaarkood-ba soo saareen amaro dhigaya in dhismahaa la dumiyo, kuwaas oo ku
sinaa ilaa sannadkii 2002.
Agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga, C/raxmaan Daahir Cajeb ayaa
qoraal uu ka soo saaray dhismahaa waxa uu ku yidhi “Waxa cabasho noo soo
gud-biyey Ibraahin Muxumad Askar oo ku cabanaya in wadooyinkii gurigiisa
la dhistay oo aanay jirin meel uu ka galo iyo meel uu ka baxaa, waxaana
sida warqadaha kor ku xusan ku cad xidhista wadadaa ka dambeeya Maxamed
Cabdi Ismaaciil (Bidhaan), sidaa darteed cabashadaasi hadii ay jirto wax
halaga qabto”.
Sidoo kale gudoomiyaha waaxda Maxamud Haybe, Maxamed Aw-Aadan Wayrax ayaa
isna soo saaray amar lagu duminayo dhismaha halkaa laga seesay, sidoo kale
Maayar-xigeenka, Aadan Ismaaciil Jirde ayaa mar kale soo saaray amar ah in
la fuliyo duminta dhismahaa.
Kooxo Joomitiro ah oo marar kala duwan meesha soo qiimeeyey ayaa iyaguna
cadeeyey inuu dhismahaasi ku fadhiyo meel waddo ah, sidaa darteedna ku
taliyey in la dumiyo.
Madaxa qaybta dhulka ee dawladda hoose ee Hargeysa, C/laahi Yuusuf iyo
Madaxa joomitirka dawladda Hoose, Mursal Saleebaan Maxamed ayaa iyaga oo
wada jira qoraal warbixin ah ka soo saaray dhismahaa, iyadoo uu
maayar-xigeenku hawshaa u diray, waxayna qoraalkooda ku yidhaahdeen “Anaga
oo tixraacayna amarkaagii afka ahaa ee aad noo dirtay inaanu ka soo
warbixino dhulka wadada ah ee la dhistay xaqiijinteeda. Hadaba gudoomiye
markaanu tagnay meesha waxaanu ku soo aragnay waddo laamiga tagta oo
galbeed u socota ayaa waxa lagu jaray sees laba ah oo uu nin qudhi
leeyahay, sidaa darteed qorshe ahaan waa waddo, wayna xidhan tahay, in la
furanaa waa lama huraan maadaama ay wadadaasi ummad dhan ka xidhantahay”.
Amarada iyo qoraalada laga soo saaray dhismaha sharci darada ah iyo
banaynta wadada xidhantay way badan yihiin, laakiin ilaa hadda waxba kama
socon, waxayna dadka goobtaa degani aaminsan yihiin inay tahay arin hadda
laga hadhay, taas oo uu ninka dhismahan leh oo ah ganacsade caan ah ka
saayid-caleeyey maamulayaasha dawladda iyo amaradoodaba, laakiin waxay
wararka qaar leeyihiin sababaha ay amaradani u fuli la’yihiin waxa ka mid
ah madaxda dawladda hoose oo aanay qaarkood raali ka ahayn in dhismahan la
dumiyo, iyadoo uu masuulkii markii hore bixiyey dhismahan sharcidarada ah
ka mid yahay hawl-wadeenadda dawladda hoose.
Maayarka Hargeysa, Eng. Jiciir hadal uu maalintii la doortay ka jeediyey
madashii lagu doortay waxa uu ku sheegay in waxyaalaha ugu waaweyn ee uu
wax ka qaban doono ay mushkiladdu ka mid tahay, laakiin taasi ilaa hadda
uma muuqato mid meel martay, waxaana intaa soo yeedhaya qaylodhaan la
xidhiidha mushkiladda dhulka, hadii ay tahay murran iyo hadii ay tahay
boobistiisaba.
Top
Shirka Dalalka Warashadaha Ku Horumaray Oo Dhamaaday. |
BBC-Hogaamiyeyaasha sideeda dowladood ee xagga
warshadaha ugu horumarsan ayaa gabagabadii shir ay ku yeesheen Ivian ee
Faransiiska ku baaqey, in dabogal xoog leh lagu sameeyo hubka iyo
sawaariikhda gantaalada ay suurogal tahay in ay argagixisadu adeegsato.
Baaq ay hogaamiyeyaashu soo saareen dhamaadka shirka ka dib, ayaa waxaa ka
muuqatey tilmaan cad oo lagu xusay wadamada Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyiga,
iyadoo loogu baaqey labadoodaba in ay u hogaansanmaan heshiisyada
Nukliyeerka ee Caalamiga ah. Shirkan Magaalada Evian lagu qabtey ayaa
waxaa uu ahaa kulankii ugu horeeyey oo tiro intaan le'eg oo
hogaamiyeyaasha dalalka waaweyn ay fool ka fool u kulmaan, tan iyo intii
uu dhacey dagaalkii Ciraaq oo ay si aad ah uga kala qeybsanaayeen. Kulan
dhex marey Madaxweynaha Faransiiska iyo madaxweynaha Mareykanka George
Bush ayaa waxay labaduba ku tilmaameen in wadahadaladooda ay ahaayeen kuwo
wax ku ool ah oo midho dhal ah. Waxaa kale oo hogaamiyeyaashaasi baaqooda
ay ku xuseen in argagixisada caalamiga ah iyo faafida hubka wax gumaada ay
yihiin arrimaha khatarta galinaya amaanka caalamka.
Waxayna soo jeediyeen si xakameyn lagu soo rogo qalabka la dhoofiyo iyo la
adeegsado qaabab kale oo looga hortagayo khatarta huba sida baahsan wax u
gumaada haddii loo baahdo.
Kuuriyada Waqooyi ayaa si gaar ah loogu dalbey in ay cad oo Kama danbeyn
ah oo la hubin karo u furfurto hubkeeda Nulkiyeerka.
Sidoo kale waxaa laga digey in barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan ay suuro
gal tahay in uu soo saaro hub wax gumaada.
Top
Iiraan oo siideysey askar.
|
BBC-Dowladda Iiraan ayaa qabatey afar ka mid ah
ciidamada Mareykanka iyo Shan qof oo rayid ah oo saarnaa doon yar oo
mareysey Marinta Shadil Carab.
Taliska Hogaanka Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegey in Dadkaas ay
ciidamada Iiraan u qaadeen meel aan la garaneyn iyaga oo indhaha ka xidhan.
Afhayeen u hadley ciidamda Mareykanka ayaa waxaa uu sheegey, in dadkaas
Mareykanka ah ee la xidhay ay u socodeen dakeda Albakar, si ay goobtaas
baadhitaan ugu sameeyaan. Hase yeeshee, si kadis ah ayaa ciidamada Iraan
ay dadkaasi xoog ugu kaxeysteen.
Afhayeenku waxaa uu intaa ku darey, in Iiraaniyiintu ay sii daayeen afar
askari ee ka tirsanaan ciidamda Mareykanka iyo seddex qof oo rayid ah oo
uu ku jiro nin ka ganacsada saliida. Hase ahaatee, Iiraaniyiinu waxay ilaa
hadda hastaan laba badmaax oo ka tirsan dadkii la qabtey. Waxaa uu
cadeeyey afhayeenku in ay suurogal tahay in ay ciidamada Mareykanku ay si
khalad ay u galeen biyaha dalka Iraan.
Baaritaan lagu sameeyey ciidamadii Mareykanka ahaa ee la sii daayey ayaa
cadeysey in raggaas aan wax jir dil ah lagu sameyn. Waxaa xusid mudan in
dekada Albakar ee Ciraaq ee ku taala Shadul Carab in ay ku dhowdahay
xuduudka biyaha ee Iiraan, horey ayaa waxaa deegaankaas ku muransanaa
dalalka Iiraan iyo Ciraaq.
Murankaasina waxaa uu sababey dagaalkii dhexmarey labada dal ee seddeeda
sanadood socdey.
Top
Dad Qaxooti Ah Oo Doonyo.
|
BBC-Hawada oo ficaan iyo badda oo daggan ayaa
waxaa ay sababayaan in doonyo badan oo sida dad muhaajiriin ay ku soo
qulqulaan xeebaha konfurta Talyaaniga.
Ku dhawaad kun qof oo u kala dhashay dalal kala duwan ayaa 48 saacadood ee
dambeeyey soo gaadhay xeebaha ku yaal gobolada konfurta Talyaaniga.
Dadkaasi waxa la sheegay inay u kala dhasheen Soomaaliya, Kurdistan,
Pakistan, Mauritania, Sudan, Falastiin, Hindiya, Gana, Chad iyo Liberia.
Iyago saarnaa doonyo laga naxaayo sida ey u baaba'san yihiin ayaa dadka
muhaajirinta ah qaarkood, waxaa u soo gurmaday ciidamada xeebaha ilaaliya
ee Talyaaniga inta aanay la gaddomin doomaaha, qaar kalena waxaa u
suurogashay inay soo gaadhaan ilaa iyo xeebta.
Doon aad u yar oo dhererkeeda lagu qiyaasay 15 mitir waxaa ciidamada
xeebaha ilaaliya ee talyaaniga ey ku arkeen uguna soo gurmadeen meel
konfur kaga aadan jasiiradda yar ee la yidhaahdo Lampedusa ee ka tirsan
gobolka Sicilia.
Waxa saarna 200 oo qof oo isugu jiray Soomaali, Ciraaqiyiin iyo
Falastiniyiin.
Waxaana ka mid ahaa laabatan dumar oo mid xaamilo tahay iyo labaatan
caruur ah.
Saacadihi ka horreyey doon siday 137 qof oo la sheegay inay Soomaali
yihiin ayaa soo gaadhay isla jasiirada Lampedusa.Waxaana dadkaasi ka mid
ahaa saddex dumar ah, saddex caruur iyo wiil yar.
Xeebaha gobolka kale ee la yiraahdo Calabria waxaa ku soo caariday doon
nooca kalluumeysiga ah oo ey la socdeen in ka badan 200 oo Kurdiyiin ah.
Boqolaalkaasi muhaajiriin oo naftooda ku soo biimeyey doonyo bolol ah oo
bakhtiyaa nasiib ah ee soo gaadhay xeebaha talyaaniga waxaa la kala geeyey
xeriyaha lagu hayo dadka bilaa sharciga, halkaasi oo lagu baari doono
heybtooda iyo xaaladooda.
Inkasto dawladda midig dhexe ee Talyaaniga ey soo saartay sharci mudnaanta
kowaad siinaya in tallaabo adag laga qaado soo galowga bilaa sharciga,
ayaa haddana waxaa isdhimi là muhaajiriinta bilaa sharciga ah ee
iskudeyeysa inay soo galaan dhulka Talyaaniga. Waxaana la qabaa in
dadkaasi badankooda ey ka soo tahriibaan xeebaha waqoyiga Afrika.
Top
30 Ka Culima'udiinka Labada Gobol Ee Gobolka Hargeisa Iyo Awdal Oo
Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Cudurka Hiv, Aids Iyo F.G.M Oo Uga Furmay
Gabiley. |
Gebiley (Haatuf) Agaasimaha guud ee wasaarada
caafimaadka Dr Axmed cabdi jaamac ayaa shalay 9:00 saac ee subaxnimo dood
cilmiyeed ku saabsan dhibaatooyinka uu keeno cudurka dilaaga ah ee HIV-AIDSka,
gudniinka fircooniga ah iyo xuquuqda ay wiilasha iyo gabdhuhu u wada
leeyihiin wax-barashada ka furay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Degmada Gebiley Maxamed Xasan,
dood cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay haa'yada wadaniga ah ee RED SEA
ACTION, ayna maalgalisay hay'ada jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u
qaabilsan xanaanada caruurta ee UNICEF, ayaa waxa ka soo qaybgalay 30 ka
mida culima'udiinka ugu waawayn ee labada gobol ee Hargeisa iyo Awdal,
kaasi oo socon doona mudo afar maalmooda. Ayaa waxay culima'udiinku ku
lafo guri doonaan mudada dood cilmiyeedkani socdo - mawqifka ay diinta
islaamku ka qabto, sida uu cudurku ku yimaado, waxa lagaga hortagi karo
iyo sida daawo loogu heli karo, waxaana kala qayb qaadanaya dood
cilmiyeedkan saraakiiil ka kala socota wasaarada caafimaadka, UNICEF iyo
wasaarada diinta iyo awqaafta oo kala ah, Dr. Deeq Siciid (caafimaadka),
Mr Xasan Aaden cali (UNICEF), iyo Sheekh Yousuf Cali Xoore (Awqaafta).
Hadaba dood cilmiyeedkan labada gobol oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa
ah ee laga qabanqaabiyey dalka ayaa waxa furitaanka xafladan oo lagu
qabtay hoolka wasaarada waxbarashada gabiley ugu horayn warbixin
waxyaalaha laga doodi doono ka soo jeediyey sarkaal ka socda hay'ada
UNICEF. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada
caafimaadka Dr Axmed Cabdi Jaamac oo culima'udiinka uga waramay taariikhda
uu cudurkani leeyahay halka uu aduunyada ka marayo, sida uu dalkeena uga
jiro iyo kaalinta looga baahanyahay inay culima'udiinta Somaliland ka
qaataan kaasi oo kula dardaarmay inay culimadu umadooda fadhiga uga kacaan
oo aan lagu jirin wakhtigan xaalad la sii eegto. Intaa ka dib waxaa halkaa
ka hadlay duqa degmada gabiley Mr Muxumed Geele Seed oo u mahad naqay
hay'adaha soo qaban qaabiyey. Red sea action iyo uncef iyo culimaa'diinka
iskaga kala yimid dhulalka kala fogfog si ay u gudtaan waajibka ka saaran
iyo xilka umadooda gebogabadii waxa halkaa ka hadlay sh.yuusuf cabdi xoore,
oo ah caalin ka socday waaarada diinta iyo awqaafta ayaa culimawdiinka u
sheegay in ay iyagu yihiin kuwa looga baahanyahay inay diinta ka baadhaan
xal u helida daawaynta cudurkan oo sida uu sheegay tahay mida kaliya ee
lagu dawayn karaa cudurkan HIV/AIDS inay tahay diinta islaamka.
Waxa isna halkaa ka hadlay sarkaal ka socday hay'ada wadaniga ah ee red
sea action.
Md.yuusuf cilmi ayaanle (dahab lule) waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "umada
xageena ayaa looga soo dhacay hadaynu nahay masuuliyiinta ubadka dhalay
kaasi oo canaan u jeediyay waalidiinta reer Somaliland oo uu u tilmaamay
inay yihiin halka ay sartu ka xumaanayso, ayna ka hagaagi karto loona
baahanyahay in ubadkooga ku barbaariyeen dhaqanka suuban ee ayna jidhkooda
uun korin.
Top
Warar Kooban: Wararkan waxa noo soo
diray weriyaha Haatuf ee Muqdisho. |
Wafdigii xaqiiqo raadinta ee ku sugnaa Gobolka Hiiraan oo kulamadoodii soo
gebagebeeyey.
Wafdigan oo uu hogaaminayey Col.Cusmaan Nuur Cusmaan ayaa waxa ay la
shireen dhamaan Mas'uuliyiinta Gobolka, saraakiisha, ugaasyada ,nabadoonada,
ururada haweenka iyo xubno kale oo ka tirsan ururada bulshada,hase yeeshee
wuxuu shirkaasi ku dhamaaday si wanaagsan waxaana lagu heshiiyay hub ka
dhigis dhan walba ah.
Waxaa kale oo laysla ogolaaday in Gobolka Hiiraan laga sameeyo Sadex
meelood. sadexdaasi meelood ayaa waxa laysku afgartay in laba laga dhigo
magaalada Beledweyne mida kalena laga dhigo degmada Buulo Berde.
Dhanka kale waxaa wafdiga la filayaa inay maanta ka ambabixi doonaan
degmada Beledweyne iyagoo ku laaban doona magaalada Nairobi si ay
ugudbiyaan warbixinadii ay halkaasi ka ururiyeen.
Dhiilo colaadeed oo ka jira Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galguduud.
Wararaka ka imanaya Tuulada masegawaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelada
Dhexe ayaa sheegay in dhiilo colaadeed ay ka jirto deegaano ay ka mid
yihiin Galcad Ceeldheer Cali Afrax Mesagawaa iyo kuwo kale oo ka tirsan
Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galguduud.
Deegaanadaasi ayaa lagu weramayaa inay ka jiraan is urursi maleeshiyooyin
beeleed iyo diyaar garow dagaal iyadoo sidoo kale la sheegay in
maleeshiyooyin ku hubaysan tiknikooyin ay markaasi ka ambabaxeen magaalada
Muqdisho ayna gaadheen deegaano ka tirsan goboladaasi.
Colaadihii horay uga dhacay deegaanadaasi ayaa xabad joojin ay sameeyeen
waxgarad ay ka mid ahaayeen Cali Ugaas Cabdulle iyo Imam Max'ud Imam Cumar
ayaa la sheegayaa in haatan ay u muuqato mid aan meel marin.
War goor dhow naga soo gaadhay deegaanka Cadale waxa uu sheegayaa in
Max'ed Cumar Xabeeb oo beryahanba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa haatan
gaadhay halkaasi isagoo sheegay inuu xoog wax kaga qabanayo arimahan
haatan halkaasi kasoo cusboonaaday.
Qoys shan ruux ka kooban oo ay miino dishay.
Shan qof oo isku qoys ah ayaa geeriyooday saaka waa birigii ka dib markii
ay gurigii ay jiifeen ay kula qaraxday miinada kaawooyinka lagu jebiyo oo
halkaasi taalay ee xaafada Waxar Cadde.Miinada oo uu guriga keenay odayga
reerka oo ka shaqeyn jiray (Godadka Ciida laga guro).kaawooyinka ayaa ka
mid ah inta geeriyootay oo ay wehliyeen sadex caruur ah iyo hooyadood.
Lama sheegin sababta rasmiga ah ee dhalisay inay miinadani waxyeelda ba'an
geysatay iyadoo wararku ay sheegayaan in miinada iskeed isaga qaraxday
balse laga yaabo in wax uun ay saameyn ku yeesheen, iyadoo dadka deegaanka
ay u gurmadeen balse ay waxba ka qaban Karin marka laga reebo inay
ururiyaan maydadka.
Dhibaatooyinka ay miinadu geysato ayaa ah mid si balaadhan u saameysay
gebi ahaanba dalka Soomaaliya iyadoo dhibaatadeeda ay leedahay.
Top
Itoobiyaan Lagu Dilay Burco. |
Burco (Haatuf) Nin ay dhalashadiisu tahay
Itoobiyaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Cali ayaa maalintii
axaddii maydkiisa laga helay magaalada Burco, ninkaas oo loo malaynayo in
la dilay, ilaa iyo hadda ma cadda ciddii iyo sababtii keentay dhimashada
ninkaasi, oo lagu soo waramay inaan maydkiisa la aasin ilaa maalintii
shalay.
Sida uu ku soo waramay weriye Liibaan Maaweel shire maydka ninkaasi waxa
uu yaalay qolka maydka ee cusbitaalka Burco.
Masuuliyiinta gobolkaas ayaa ilaa iyo hadda ka gaabsaday inay ka hadlaan
dhimashada ninkaas.
Wararkii ugu dambeeyey ee ka yimid dhinaca Burco ayaa sheegay in
shaqaalaha dawladda hoose ee Burco oo gaadhaya ilaa boqol qof ayaa isku
xilqaameen aaska ninkaas maalintii shalay magaalada Burco.
Ma aha dhacdadani tii ugu horeysay ee ka dhacda Burco balse dhawr goor oo
hore ayey dhaceen falal noocan oo kale oo lagu waxyeelaynayo ajaanibka ku
nool magaalada Burco.
Top